Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 594 May 24, 27, 28, 2004

SEMINAAR KADHACEY PRETORIA OO LAGU AMAANEY SOMALILAND

“Xukuumadda Sare Ha U Soo Gurmato Maamulka Saylac”
C/Laahi Xuseen Kaahin-Mudane Golaha Degaanka Saylac Ah

Xisbiga UCID Oo Ku Baaqay In Xasiloonida La Dhawro

“Markii Garoowe La Igu Xidhay Waxa La Igu Sameeyey Jidh-Dil, Taliyayaasha, Ciidanka Somaliland-Na, Dalka Uga Tegi Maayo”
Maxamed Jaamac (jiciir)- Bilayska Somaliland ee gobolka sool

“Waxay Nagu Yidhaahdeen Go’aanka ONLF Waa Inaanu Gubno Baabuurta Isaaqa Iyo Gadabuursiga, Ogaadeenka Hargeysa Joogana Sidaad Doontaan Ka Yeela”

Salaadiinta Beesha Bariga Burco Oo Sheegay Inay Mawqifkooda Mideeyeen

Madaxweyne Bush Oo Ka Dhacay Baaskiilad

Ciidamo Nabad Ilaalin Ah Oo Loodirayo Burundi

Dhamaadkii Shir-Madaxeedka Carabta Iyo Go’aanada Saluugga Leh

Suudaan: Colaada Gobolka Daarfuur Oo Heshiis Laga Gaadhay

Ciidamada Maraykanka Oo Weerar Ba’an Ku Qaaday Najaf

Dagaalyahan Kaashmiir Oo Weerar Ka Fuliyey Hindiya

Asraartii Ku Xeernayd Xadhigii Kooxdii Ismaaciil Iyo Cumar

CILMIGA IYO TIKNOOLOJIGA


SEMINAAR KADHACEY PRETORIA OO LAGU AMAANEY SOMALILAND.

Waxaa Magaaloweynta Pretoria ee Caasimadda wadanka Koonfur-Africa lagu qabtey Seminaar lagufalanqeynayo xal u helista Wadanka xaaladiisu ey kasiidareyso ee Somalia, iyo Gooni isu-taaga Jamhuuriyadda Somaliland, maalinkii shaley aheyd ee 27th May 28, 2004.

Seminaarkan oo socdey qadar 7 saacadood ah waxaa qaban qaabisey Machadka Africa ee Koonfur Africa (African Institute of South Africa), waxaa uga sooqeybgaley Somaliland:

1. Mudane Iqbal Jhazbay oo ah xidhiidhiyaha Somaliland & Koonfur Africa dhinaca Dibloomaasiyadda, kana mid ahaa abaabulayaasha seminaarkan.

2. Prof. Mohamed Saeed Gees, oo kasocda Akadamiyadda Somaliland oo aan isagu kasoomuuqan madashaasi.

3. Matt Breyden oo kasocda (International Crisis Group, Canada), oo badaley halkii Gees oo wacdaro kamuujiyey madasha.

4. Farhiya Sh.Ali Ahmed oo kasocotey Jaamacdda Wits ee Johanneburg.

5. Waxa kale Somaliland ugaqeybgaley Seminaarkaasi Jaaliyadda Reer Somaliland ee wadankan oo aad u tirobadnaa.

Dhinaca Somalia waxaa ugaqeybgaley Seminaarka:

1. Ergeyga gaarka ah ee Somalida ku ururtey Kenya, Ambassador Kiplagat

2. Jibriil Ibrahim Abdulla oo kasocdey (Dialogue of peace) oo kasoohangagarey Muqdisho.

3. Adbul Sheekh Abdi oo kasocdey Jaamacadda Port Elizabeth ee K/Africa

Waxa kale oo kaqeybgaley Seminaarkaasi Safiiradda wadamadda, Libya, Yemen, Suuriya, Eritaria, iyo wadamada indho yarta ah, iyo wufuud kasocota Wazaaradda arimaha dibadda ee K/Africa.

Furitaankii Seminaarka oo uu khudbad kajeediyey ninka isagu agaasimaha ka ah machadka qabanqaabiyey shirka, Prof. Korwa, waxaa uu kusoodhaweeyey mikrofoon ka Safiirka Liibya u fadhiya K/Africa Dr.Abdalle Alzubadi, oo kahadley in intii aanu Safiirka noqon uu mudo 11 sano ah uu kasooshaqeeyey nabadeynta Somalia, waxaanu kutilmaamey in ey adagtahey sidii nabad waarta loogu dabaali lahaa wadankan xaaladiisu ey sii murgeyso ee Somalia, waxa uu amaano u jeediyey wadanka Somaliland iyo horumarka siyaasadeed dhaqaaleed iyo nabadeed ee ey gaadheen. Waxa kale oo uu halkaasi kasheegey taariikhda ergeyga shirka somalida waa Kiplagat oo uu kutilmaamey in uu yahey nin waayo aragnimo iyo cilmi u leh xalinta arimaha murugsan sida xal u raadinta qabqablayaasha Somalia, waxaanu mikrofooon kusoodhaweeyey Kipligat.

Kipligat waxa uu kubilaabey hadalkiisii isaga oo sheegey in uu kufaraxsanyahey heshiiska kadhacey Sudan & shirka soomaalida uga socda Kenya oo galey wajigiisii 3aad, eyna hadhsantahey wajiga 4aad oo ah doorashadda.

Waxa Kipligat uu shaaca kaqaadey xaqiiqda kajirta madasha shirka soomaalidu kasocda ee Kenya, halkaasi uu kutilmaamey qabqablayaasha dagaalka in ey yihiin dad aad u anshax xun oo toorayo isu afeysanaya, waxa uu welwel weyn kamuujiyey in hogaamiye kooxeedyadu ey kukalatagi karaan shirkan iyaga oo aan waxba isku afgaran, waxa uu yidhi isaga oo arinkan kahadlaya, “Qabqablayaashani markii ey shirkii Carta dhameysteen waxey tageen Maka oo ey Kitaab Qur’aanka ah kudhaarteen in ey uhogaansamaan maxsuulka kasoobaxey shirka, laakiin nasiibdaro balankaa wey jabiyeen, shirkan Kenyana wey dhici kartaa in ey sidaasi uu kudhamaado”, waxa uu Kipligat canaan weyn u jeediyey beesha caalamka iyo sida aaney si buuxda uga muuqanin shirka Kenya.

Kipligat waxa uu amaano siiyey wadanka Somaliland oo uu kutilmaamey in ey kajirto nabadgelyo iyo horumar.

Kipligat ugu danbeyntii waxa uu kahadley, arin aad uga qoslisey kaqeybgalayaashii seminarka oo ah uu sheegey in ey 61 musharax u diyaargaroobeen hadii buu yidhi ey doorasho kadhacdo shirka Kenya, oo uu walaac weyn kamuujiyey.

Jibriil oo kamid ah Soomaalida dhinaca somalida oo kasocdey (center for dialogue and research ee Mogadishu), waxa uu kahadley si jiquraafi ah xaaladda somaliya oo uu gobol gobol kasheekeyey, waxa uu kudarey Gobolka sanaag ee Somaliland katirsan ee uu Puntland sida budhcadnimadda ah ey u sooweerartey.

Abdul waahid waxa uu sikooban uga Hadley doorka mujdamaca rayidka ahi uu kaciyaari karo nabadeynta khilaafka.

Halkaa waxa kudhamaatey qeybtii somalida oo ku abuurtey kasooqeybgalayaashi shirka aragti naxdin & anfariirleh iyo in aan Somalia marnaba xal laga gaadhi Karin, waxa uu seminaarku galey wajigii 2aad oo lagaga hadlayey Jamhuuriyadda Somaliland iyo ictiraaf raadinteeda.

Dr.Iqbal Jhazbay ayaa kufurey wajiga 2aad in uu dadkii halkaa isugu yimid wax uga sheego Somaliland iyo horumarka ey gaadhey, waxaanu kusoo dhaweeyey Mikrofoon ka Farhiya oo ah somalilander sharciyadda kabarata Jaamacdda Wits ee Johannesburg, Farhiya oo kajeedisey khudbad dahabi ah oo ey ugu horeyntii kaga hadashey taariikhda Somaliland, iyo sida ey Somaliland uga duwantahey Somalia, burburkii iyo dhibkii ey soomartey Somaliland, iyo dimquraadiyadda iyo kaladanbeynta kajirta Somaliland maanta (waxa aanu kudaabici doonaa Farhiya khudbadeedii dahabi ga aheyd Somalilandtimes.net Insha-allah).

Waxaa medashasi hadalo qiimobadan kajediyey Matt Bareydhan, oo kahadley taariikh ahaan Somaliland dhibaatooyinkii ey dowladii Afweyne u geesatey, iyo markii ey xornimadda heshey Somaliland 18th may 91, marxaladihii qaraaraa ee ey soo martey iyo sida maanta ey horumar buuxda oo awoodleh ey u gaadhey, waxa uu xusey Matt cududa milatari ee ey leedahey Somaliland tan oo loo arkayey hanjabaad kusocota cidii soofaro gelisa Somaliland in gacan birleh lagu qabanayo.

Waxaa ugu danbeyntii halkaasi kabilaabmatey su’aalo lagu ganayo Kipligat iyo kasooqeybgalayaasha kale, su’aalo badan ayaa laweydiiyey Kipligat, laakiin su’aasha ugu baaxada weyni waxey katimid qoraga warbixintan (Saeed) waxaaney aheyd su’aashiisu sidan:

“Mudane Kipligat, shirkii waxa uu galey wajigiisii 3aad, waxaaney qabqablayaasha dagaalka ee ku ururey Kenya ey ukalasaareen 5 qabiil, Hawiye, Daarood, Digil & midhifle, Dir, iyo kuwa latakooro ama lagatirada badanyahey), markaa Kipligat, Dir marka laga reebo wey kuqnacsanyihii inta kale, dir waxaa looqeybiyey dir koonufreed iyo dirta waqooyi, dirta waqooyina waxa loolajeedaa in lagu dumiyo Somaliland, markaa maadama ey sidaa tahey miyaanad Kibligaatow u arkeynin in shirkii uu yahey mid aan rajolaheyn, su’aasheyda kale kipligatow, dadaalkan faraha badanleh ee aad noosheegtey in aad ugu jirto in xal kadhaliso shirka Kenya, nasiibdaro qabqablayaasha dagaalku waxey kuu arkaan in aad tahey “TWD” (TIME WASTING DEVICE), ama qof waqtiga luminaya oo aan xal keeni Karin, bal arimahan nooga waran mudane?

Su’aashan oo wadnaha jartey Kipligat oo markiisii horeba maskaxda ey kadaaliyeen qabqablayaashu, waxa uu uga jawaabey sidan: “Mudane Saeed, wey jiri kartaa sidii aan hore u sheegey shirka Kenya waxna wey kasoobixi karaan waanu burburi karaa sidii dhowr iyo tobankii shir ee hore u dhaceyba, waxaaanan kudadaaleynaa sidii ey maxsuul uga soobixilahaa kan, qabqablayaashu sida ey ii arkaan, wey jirtaa in aanu dhowr jeer isku dhacney, arinkan Somaliland waa arin gooni ah, somalilandna wey ku amaanantahey horumarkeeda dhaqaale, nabadeed, ee ey kudbaashey wadankeeda, waana arin gooni ah..”

Fiiro gaar ah:

Ugu danbeyntii, aniga oo kuhadlaya magaca Jaaliyadda Somaliland ee K/Africa iyo Magaca Somaliland Forum, waxa aan u jeedineynaa Dowladda Somaliland iyo Reer Somaliland meelkasta oo eykunoolyihiin in uu shirkii Kenya galey wajigii 3aad waana halkii lagu ictiraafi lahaa ama lagu dumin lahaa Somaliland, waxa aan kudhiirigelineynaa Reer Somaliland in ey fiiro gaar ah u yeeshaan shirkaasi.

Waxa aan halkan mahadweyn uga jeedinayaa xubnaha sharaftaleh ee Somaliland forum oo dadaal dheeraad ah ugu jira in ey wadankooda horumarin dhinackaste ah kusameeyaan,

waxa aan sigaar ah ugu mahadnaqayaa Mudane Sayid Yuusuf oo xubin ka ah Somaliland Forum.

Saeed Abdi Mohamed,

Jaamacdda UNISA, qeybteeda IT ga & Media

Top


“Xukuumadda Sare Ha U Soo Gurmato Maamulka Saylac”
C/Laahi Xuseen Kaahin-Mudane Golaha Degaanka Saylac Ah

Boorama, May 24, 2004 (Haatuf) – Ninka magaciisa la yidhaahdo C/laahi Xuseen Kaahin oo ka tirsan golaha degaanka Saylac ayaa xukuumadda dhex ugu baaqay inay gurmad wax qabad ah u soo fidiso xaaladda maamul ee degmada Saylac, isaga baaqiisa sabab uga dhigay ama ku sababeeyey inaanu wax adeeg maamul ahi ka socon degmada, isla markaana ay degmada haystaan duruufo badan oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

Mudanahani waxa kale oo uu ku andacooday inay maamulkii iyo taladii degmada maroorsadeen maayark iyo ku xigeenkiisa, isla markaana jirin wax qabad iyo adeeg maamul. C/laahi Xuseen Kaahin oo Sabtidii doraad u waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar, wuxuuna ku dooday inaanu golahoodu tan iyo markii ay talada degmada la wareegeen wax la taaban karo qaban, isaga oo arimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Waqtigan wax adeeg maamul ahi kama jiro degmadan, jidadkii magaalada soo gelayey ama ka baxayayna way go’an yihiin, sidaa darteedna dadweynuhu waxay hadda ka fekerayeen sidii ay uga guuri lahaayeen maagaalada”.

C/laahi Xuseen (Ilkacase) isaga oo ka hadlay xaaladda maamul ee golaha degaanka wuxu yidhi “Golaha dgaanku wuxuu leeyahay afar guddi, hase ahaatee midna shaqadiisii ma hayo ama ma garanayo wixii loo doortay ee loo baahnaa inay shacbiga doortay u qabtaan, ilaa maalintii la doortay golaha degaanka Saylac wax la taaban karo ma qaban. Sidaa darteed xukuumadda sare waxaan ugu baaqayaa inaanay sii daawayn xaaladda maamul ee ka jirta degmada Saylac ee ay u soo gurmato”.

Top


Xisbiga UCID Oo Ku Baaqay In Xasiloonida La Dhawro

Xisbiga UCID Oo Ku Baaqay In Xasiloonida La Dhawro

Waxa magaalada Hargeisa oo ah magaalo madaxda Somaliland ka dhacay maalmihii May 12, iyo May 18, mudaharaadyo is daba jooga ahaa oo ay sameeyeen dhallinyaro isa soo abaabushay ayna isku dhaceen ciidamada nabadgelyada ee Somaliland, kuwaasoo keenay rabshado gacan ka hadal ah, kuna dhammaaday iyadoo qaar jeelka loo taxaabay, ama dhawaacyo, ama burbur kale.

Haddaba sida ku cad distuurka Somalilland qofka muwaadinka ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu fikirkiisa ku muujiyo debad bax isagoo raacaya nidaamka sharciga waafaqsan. Sidaas oo kalena, waxaa ciidamada boliiska waajib ku ah inay yihiin kuwa carbis u qaba sida looga hortago mudaharaadyada, ayna ku xad gudbin xuquuqda qofka muwaadinka ah.

Xisbiga UCID isagoo ka duulaya waajibka qaran ee ka saaran in la tilmaamo tubta habboon iyo sidii dalka looga badbaadin lahaa inay faraha ka baxdo deggenaanshaha iyo kala dambayntu, ayaa xisbiga UCID go’aansaday inuu soo saaro war saxaafadeedkan:

-Xisbiga UCID wuxuu ugu baaqayaa muwaadinka reer Somaliland ee doonaya inuu fikirkiisa ku muujiyo debad bax sida ku cad qodobada 22-aad iyo 32-aad ee distoorka inuu soo maro dhabbada uu u jideeyey distuurka qaranku si uu u sameeyo mudaharaad. Waxaa waajib ku ah qofka ama cidda doonaysa inay samayso debadbax salmi ah inay marka hore ogeysiin iyo fasaxa mudaharaadka ka soo qaataan ciidamada nabadgelyada si aanay khal khal u gelin nabadgelyada dalka, una lumin sharciga iyo kala dambayntu.

-Xisbiga UCID wuxuu u arkaa debadbax ama mudaharaad cabasho oo la soo abaabulaa iyadoo aan la ogeysiin jihooyinka ku shaqo leh inuu khatar iyo dhabarjab ku yahay qaranimada Somaliland iyadoo ay ka faa’iidaysan karaan cadowga dalka, gabboodna ay ka dhigan karaan si ay dhaawac loogu geysto xaalladda nabadgelyo ee dalku ku sugan yahay ee ay cid waliba innagu majeerato. Isla markaana ay horseedi karto isku dhac keena dhimasho, dhaawac iyo hanti ku lunta.

-Xisbiga UCID wuxuu sidoo kale tilmaamayaa tababar la’aanta ciidamada boliiska iyo iyagoo aan lahayn carbiska gaarka ah ee lagaga hortago mudaharaadyada ama rabshadaha. Waxayna tani wiiqi kartaa wadajirka umamadda iyo maaraynta iyo wax ka qabashada dhacdooyinkan. Waxaa waajib ku ah xukuumadda Somaliland inay si degdeg ah ugu tababaraan cutubyo ka tirsan ciidamada boliiska ka hortagga rabshadaha, ayna u keenaan qalabka u gaarka ah. Tallaabadani waxay yaraynaysaa dhibaatada rasaasta aan loo miidaan dayeyn ee lagu ridaayo dadka muwaadiniinta ah. Isla markaana waxay kaloo yaraynaysaa dhimashada ama dhaawaca ka iman karta iyadoo aan la raacin hababka ka hortagga mudaharaadyada ee laga aqoonsan yahay caalamka.

-Xisbiga UCID wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland inay tallaabooyin wax ku ool ah ka qaaddo oo ay mudnaanta koowaad siiso wax ka qabashada cabashooyinka shacbiweynaha reer Somaliland sida caddaalad darrada, musuqmaasuqa, lunsiga hantida qaranka, biyo la’aanta magaalada Hargeisa iyo ku takri falka awoodda qaranka.

-Xisbigu UCID wuxuu ugu baaqayaa Golayaasha qaranka, xisbiyada qaranka, hay’adaha nabadgelyada, ururada xuquuqda aadanaha iyo ururada bulshada inay dhammaantood abaabulaan shirar iyo aqoon isweydaarsiyo si dadka loo baro loo guna wacyi geliyo inay fahmaan xaqa ay u leeyihiin debadbax salmi ah oo waafaqsan sharciga iyo distoorka. Isla markaana laga feejignaado nabadgelyo xumada iyo isku dhaca. Taasoo ummadda dhexdeeda ku abuuri karta shaki iyo kala fogaansho.

-Ugu dambayntii, wuxuu Xisbiga UCID ugu baaqayaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale kaahin isagoo ka faa’iidaysanaya awooddiisa madaxweynimo inuu soo daayo kooxdan dhallinyarta ah ee sameeyey mudaharaadka maalintii 18-ka May ee loo taxaabay jeelka mandheera, sidii uu usoo daayey kuwan kuwii ka horreeyey, sababtoo ah iyada oo aan loo marin si waafaqsan qodobada 25-aad, 26-aad, iyo 27-aad ee distoorka qaranka, lana horgeyn maxkamad iyo qareen u dooda.

Wa Billaahi Tawfiiq,

Eng. Nasir Hagi Ali Shire

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Yurub.

Top


“Markii Garoowe La Igu Xidhay Waxa La Igu Sameeyey Jidh-Dil, Taliyayaasha, Ciidanka Somaliland-Na, Dalka Uga Tegi Maayo”
Maxamed Jaamac (jiciir)- Bilayska Somaliland ee gobolka sool

Boorama, May 24, 2004 (Haatuf) – Maxamed Jaamac (Jiir) oo sheegay inuu ka tirsan yahay saraakiisha bileyska Somaliland ee gobolka Sool ayaa sheegay inuu taliska bileyska Somaliland si weyn u dayacay ciidamadii bileyska Somaliland ee Laas-caanood.

Maxamed Jaamac (Jiir) waxa uu hadda ku sugan yahay magaalada Boorama, halkaas oo uu u joogo arin caafimaadkiisa la xidh-xidhiidha, iyadoo uu weriyaha Haatuf ee Boorama halkaa kula kulmay, kana sheekaystay waxyaalaha uu kaga cabanayo taliska bileyska Somaliland.

Maxamed Jaamac (Jiir) waxa uu sheegay inay ciidamada Puntland markii ay soo galeen Laas-caanood ay ka qafaasheen saldhigga bileyska Laas-caanood, kuna xidheen xabsi ku yaal Garoowe, isla markaana ay ciidamada Puntland u geysteen jidh-dil iyo dhibaatooyin kale. Maxamed Jiir waxa kale oo uu sheegay inuu hore ugu dhaawacmay weerarkii ay ciidamada Puntland ku soo qaadeen weftigii madaxweyne Rayaale ee Laas-caanood tegay dabayaaqadii 2002. Sidoo kale waxa uu sheegay in dhibaatooyin oo naf iyo maalba leh loogu geystay u dagaalanka maamulka Somaliland, isaga oo arimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Waxaan ka mid ahaa ciidankii Somaliland ee laga aasaasay Laas-caanood,ciidankaas oo toban sanno ka hor xukuumadda Somaliland gacanta u soo geliyeey hubkii iyo dhismayaashii ka hadhay afweyne. Waxa kale oo aan ahaa taliyihii ku sugnaa saldhigga dhexe ee Laas-caanood waqtigii uu madaxweynaha Somaliland booqashada ku yimi, halkaas oo uu dhaawac rasaaseed igu soo gaadhay markii ay weftigii madaxweynaha soo weerareen ciidamadii ka yimi Puntland.

Waxa kale oo aan ka mid ahaa labadii nin ee ciidamada Puntland ka kaxaysteen saldhigga bileyska Laas-caanood markii ay dhowr bilood ka hor soo weerareen , waxaana lay geeyey Garoowe, halkaas oo laygu xidhay, jidh-dilna laygu sameeyey. Waxa kale oo waqtigaa ay ciidamada Puntland burburiyeen hudheel aan ku lahaa magaalada Laas-caanood, hudheelkaas oo ay ciidamada Puntland ku sheegeen inuu saldhig u yahay xukuumadda Somaliland. Laakiin waxaan filayey in difaaca qaranimada Somaliland dhibta iga soo gaadha gacan layga siinayo, balse basiib darro taasi may dhicin ee waxa kale iska daayoo mushaharkii yaraa ayaa aniga iyo ciidanka kaleba naga maqan toddoba bilood, waxaana tuhunsanahay inaan arintayada la hor dhigin madaxweynaha, balse labada taliye ee ciidanka uga tegi-maayo dalka iyo shaqadayda, waxaanse leeyahay xukuumadda iyo taliyayaasheedu ha ogaadeen xaaladda iyo duruufaha dawladda Somaliland u jooga gobolka Sool, Booramana waxaan u imi xaalad caafimaad daro oo ila soo daristay oo ka dhalatay xabadihii igu dhacay iyo jidh-dilkii laygu sameeyay”.

Top


“Waxay Nagu Yidhaahdeen Go’aanka ONLF Waa Inaanu Gubno Baabuurta Isaaqa Iyo Gadabuursiga, Ogaadeenka Hargeysa Joogana Sidaad Doontaan Ka Yeela”

“Hantidiinii U Doonta Rayaale Iyo Males Zenawi “
Xuseen Ibraahim Iyo Rashiid Saxardiid Oo Baabuur Lagaga Gubay Kililka Shanaad

Hargeysa, May 24, 2004 (Haatuf) – “Lixdii subaxnimo ayey noo yimaadeen 6 nin oo hubaysan oo lugaynaya, laba ka mid ah ayaa direy ciidan xidhnaa, afarta kalena waxay xidhnaayeen saraawiil iyo macawiiso caadiya”, sidaa waxa yidhi Xuseen Ibraahim C/laahi iyo Rashiid Saxardiid Aadan oo dabayaaqadii 2002 laba baabuur lagaga gubay meesha la yidhaahdo Galaashe oo ku taal kililka 5-aad ee Itoobiya, waxaana baabuurta gubay dabley ka tirsan jab-hadda la yidhaahdo ONLF ee dagaalka hubaysan kula jirta dawladda Itoobiya.

Xuseen Ibraahim iyo Rashiid Saxardiid waa laba nin oo reer Somaliland ah, waxayna ka mid ahaayeen gaadiidleyda isaga gooshta degaamada Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana labadan nin iyaga ayaa iska lahaa labada baabuur ee la gubay iyo badeecadii saarnaydba. Labada baabuur waxa uu noocoodu ahaa Hino 24, 24 Tone, waxaana saarnayd cusbo qiimaheedu u dhigmo 22000 birta Itoobiya ah iyo gaadhiga labaad oo noociisu ahaa Nisan-sabaax 6 tone ah, waxaana saarnaa 130 gadbadood oo Sonkor ah iyo 6 kartoon oo saabuunta oomaada ah.

Sidoo kale labadaa baabuur markii ay dableydu heshay mid walba waxa saarnaa 3 qof. Xuseen Ibraahim iyo Rashiid Saxardiid waxay hadda ku sugan yihiin magaalada Hargeysa, dabadeed-na weriye Haatuf ka tirsan ayaa Sabtidii doraad la kulmay, kana sheekaystay sidii ay wax u dhaceen, waxayna sidii ay wax u dhaceen iyo waxyaalihii dhexmaray iyaga iyo dableydii ONLF, iyaga oo xusay arimo xiise leh. Laakiin waxay sheekadooda ku bilaabeen “Meesha waxay 10km ka xigtaa xagga gudaha Itoobiya tuulada la yidhaahdo Galaashe, waxay ahayd goor subax ah, halkaa roob baa nagu helay, ka dibna waanu seexanay, waxaanu sidnay rar, labada baabuur mid wuxuu siday milix, wuxuuna ku socday Baabuli, midna wuxuu siday Sonkor, wuxuuna ku socday Dhagaxley. Dabadeedna lixdii subaxnimo ayuun bay noo yimaadeen 6 nin oo hubaysani oo lugaynayaa, lixda nin laba waxay xidhnaayeen dirays ciidan, afarna saraawiil caadiya iyo macawiiso, way na toydeen oo waxay nagu yidhaahdeen qolomaad tihiin, waxaanu ku nidhi waxaanu nahay Isaaq, ka dibna way na baadheen, waxayna naga qaateen wixii aanu dhar, lacag iyo saacado aanu haysanay intii gashanayn mooyee ilaa kabihii ayey naga qaateen.

Labada baabuur waxa saarnaa lix qof, dabadeedna lixdayadii qof ayey geed halkan ah isugu kaaya geeyeen, waxay nagu bilaabeen cago-juglayn iyo qoriga dabadiisa oo ay nala dhaceen. Intaa ka dibna waxay nagu yidhaahdeen bartaa ayaad ka lugaynaysaan, baabuurtana waanu gubaynaa. Ka dibna waxaanu ku nidhi maxaa dhacay oo aad sidaa noogu gelaysaan, maxaad ahaydeen. Dabadeedna waxay noogu jawaabeen anagu waxaanu nahay ONLF, ina Rayaalena ragayagii ayuu xidh-xidhay, qaarna gaalo ayuu ka iibiyey, qaarna ilaa hadda jeelka ayey ku jiraan, sidaa darteed baanu u gubaynaa baabuurta Isaaq iyo gadabuursi, sidaas-na waxa amar nagu siiyey madaxdayada ONLF, markaa go’aankayaguna waa kaa, idinkuna sida aad doontan ka yeela ninka ogaadeen ee Hargeysa jooga. Hantidiinana waxaad ku leedihiin Daahir Rayaale iyo Males Zenawi” ayey yidhaahdeen Ibraahim iyo Rashiid. Hase yeeshee intaa ka dib wixii dhacay ayey ka sii sheekeeyeen, waxayna yidhaahdeen “Mid ka mid ah nimankii ayaa nagu horjoogsaday geedkii ay nagu ururiyeen isaga oo qori nagu haya, kuwii kalena waxay soo dejiyeen shiraacyadii baabuurta, ka dibna labadii shiraac baabuurta hoostooda wadheen ayey xaabo ku dul ururiyeen, shidaalna ku rusheeyeen, dabna ku qabteen, sidaa ayey baabuurtii iyo wixii saarnaaba ku gubteen, nimankiina meeshee kama ay tegin ilaa ay baabuurtii shuf-beeleen, intaa ka dibna way iska dhaqaajiyeen, anaguna waanu ka lugaynay, waxaanuna anaga oo caga-cad u lugaynay Galaashe oo sii soconay 5 saacadood, Galaashe waxa ku yaal saldhig ciidanka Itoobiya ah, dabadeedna ciidankaa ayaanu u sheegnay arintii, habeenkiina halkaa ayaanu u hoyanay, ciidankiina waxay nagu yidhaahdeen mar hadii aanaan iminka nimankii meesha ku gaadhayn ma jirto wax aanu ka doonaa ee anaga ayaa hawshayada kale qabsanayna. Dabadeedna anagu sidii baanu isaga soo amba-baxnay”.

Ibraahim iyo Rashiid waxay sheegeen inay xukuumada Somaliland arintaa soo gaadhsiiyeen, una sheegeen inay wax kala qabato dhibaatada soo gaadhday. Ibraahim iyo Rashiid waxay rumaysan yihiin inay u dhinteen aano, taas oo leeyihiin waxa nalagaga aar-gutay wax loo tirinayo xukuumadda Somaliland. Sidoo kale waxay labadan nin ku doodayaan xukuumadda Somaliland markii ay qaadaysay talaabadii ay ka qaaday kooxihii ONLF-ta inaanay dawladda Itoobiya talo iyo qorshe kala gaadhin dhibaatada reer Somaliland ee ku xidhan degaamada Itoobiya ka soo gaadhi karta arintaa.

Sidaa awgeed Ibraahim iyo Rashiid waxay doodooda gun-dhig uga dhigayaan ama leeyihiin waa inay xukuumadda Somaliland arintayada meel saarto maadaama bay leeyihiin aano xukuumadda loo tirinayo naloogu geystay dhibaatada intaa le’eg oo hantidayadii la baabiiyey.

“Waxaanu doonaynaa xukuumaddu inay waxayagii na siiso, maadaama wax ay xukuumaddu fashay waxayagii loo gubay, taas-na xukuumadda waanu soo gaadhsiinay, waana inay wax ka qabato”.

Top


Salaadiinta Beesha Bariga Burco Oo Sheegay Inay Mawqifkooda Mideeyeen

Hargeysa, May 24, 2004 (Haatuf) – Salaadiinta iyo Boqorada beelaha Bahar-jeclo oo muddo shir uga socday magaalada caasimada ah ee hargeysaa ayaa soo saaray qoraal kooban oo nuxurkiisu ahaa waxyaabihii kasoo baxay kulankooda iyo ujeedadiisa. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal loo qaybiyey shalay saxaafadda, shirkan madax dhaqmeedka beelaha Habar-jeclo oo ahaa mid sida la sheegay lagaga hadlayay sidii laysugu soo dhowayn lahaa ee loo mideyn lahaa, ama lo turxan bixin lahaa, isl amarkaana wax looga qaban lahaa danaha beelaha Babar-jeclo, waxa ka qayb galay toddoba madax dhaqmeed oo ka kooban salaadiinta beelaha Habar-jeclo, waxaana laga soo saaray qoraal kooban oo ay ku saxeexan yihiin dhamaan madax-dhaqmeedka Beelaha Habarjeclo, isla markaana waxa laga xusay in wixii kala ee go’aan ah qoraal dambe laga soo saarayo, laakiin ay madaxdhaqameedku isla garteen sidii loogu midoobi lahaa turxaan bixinta iyo midaynta Beelaha. Maadx-dhaqmeedka ku saxeexan qoraalka, waxay u qornaayeen sidan:

Suldan C/Laahi Suldaan Cali
Suldaan Maxamed Guuleed Mire
Boqor Maxamuud Cali Carab
Suldaan Maxamuud Cabdi Cali
Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
Boqor Cismaan Aw Maxamed (Buur-Madow_
Sudlaan C/Raxmaan Qodax Jaamac.

Top


Madaxweyne Bush Oo Ka Dhacay Baaskiilad

Baqdaad May 24, 2004 (W.Wararka) Madaxweynaha maraykanka Bush ayaa la sheegay inuu ka dhacay baaskiilad isaga oo joogay Beer uu ku nasto oo ku taala gobolka Texas sidaana waxa xaqiijiyey af-hayeen shalay u hadlay aqalka cad ee looga taliyo Maraykanka.
Sida uu warku sheegay shilkani waxa uu ka dambeeyey markii uu Bush iska dhego tiray talooyin ay sii yeen lataliyayaashiisu, waxaana la sheegay inuu dhaawac fududi ka soo gaadhay wajiga, gacmaha iyo jilbaha.

Dhinaca kale, Madexweyne Bush ayaa soo saarey hadal uu Cisadiin Salim ku sifeeyey inuu ahaa nin geesi ah oo naftiisa u hurey goobista xoriyad, dimoqraadiyad iyo Ciraaq barwaaqo ah.

Waxa uu Bush tacsi u direy qoyskii uu Cisadiin Salim ka baxey, waxana uu intaas ku darey ineyna argagixisadu ku guuleysaneyn iskudeyga ay ugu jirto iney ku gilgisho ama ku hor istaagto rabitaanka Mareykanka.

Hase ahaatee, Washington waxa weli diiradda la saarayaa oo lagu sii jeedaa fadeexadaha la sheegey in loo geystey maxaabiista Ciraaq.

Carl Levin oo ah senator sare oo dimoqraadiya oo ku jira guddiga Golaha senatka u qaabilsan adeegga Miletriga ayaa ka mid ah dadka ka xumaadey warar todobaadkii tagey dhammaadkiisa ay jariiddada New Yorker ku sheegtey in Donald Rumsfeld uu si qarsoodi ah u ansaxiyey in maxaabiista lagula kaco hab adag oo lagu wareysanayo.
Mr Levin waxa uu sheegey in warbixinta New Yorker ay arinka gaadhsiisey marxalad gabi haanba cusub.

Pentagonku waxa uu warbixintaas ku sheegey iney tahay wax yaab leh oo waali ay ka muuqato oo khaladaad ay ka buuxaan, laakiin Pentagonku maanu sheegin in warbixintaas dhamaanteed ay khaladaneyd.

Warbixin kale ayaa iyaduna ka fajicisey mudanayaasha Kongreska Mareykanka.
Wargeyska todobaad laha ah ee Newsweek magazine ayaa soo daabacey qoraal rasmi ah oo qareen sare oo ka tirsan Aqalka Cad, Alberto Gonzales uu madexweyne Bush u qorey.

Warqadaas oo uu Mr Gonzales uu u gudbiyey madexweyne Bush markii uu dhacey weerarkii 11kii September ee 2001da ka dib, waxa uu Mr Gonzales uu ku yidhi, waa in aanu xeerarkii Geneva u tixgalinaa inuu yahay wax wakhtigiisii dhamaadey oo qadiimi ah.

Senator Richard Lugar oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Bush oo madax ka ah guddiga Senatka u qaabilsan xidhiidhka dibadda oo arintan laga wareystey ayaa sheegey inuu rajeynayo in qaraalkaas aanu jirin, haddiise uu jiro ayuu yidhi, waa mid khalad ah.

Top


Ciidamo Nabad Ilaalin Ah Oo Loodirayo Burundi

New York May 24, 2004 (W.Wararka) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod ay u dhan yihiin dhammaan xubnaha goluhu isku wada raacey in Burundi loo diro ciidamo nabadda ilaaliya oo tiradoodu ka badantahay 5500 oo askari.

Waxa la filayaa in ciidamadaasi ay hubiyaan in la ixtiraamo oo ay sii jirto xabad joojinta lagu heshiiyey, islamarkaana ay baadhaan xad-gudubyada la geystey oo ay ilaaliyaan hubka sida sharci darada ah ku soo galaya dalka, waxa kale ciidamadani nabad ilaalinta looga fadhiyaa iney qoryaha ka dhigaan kooxaha hubeysan.

Dadka ay QM u direyso Burundi waxa kale oo ku jira ciidan boolis iyo shaqaale kale oo Burundi siin doona tababar dhinaca booliska ah iyo kuwa Burundi ka kaalmeyn doona doorashooyinka waddankaas laga qaban doono bisha Okotoober ee soo socota.

Dalka Burundi waxa soo marey toban sanadood oo ay ka socdeen iska horimaadyo ay iskaga soo hor jeedeen kooxaha fallaagada ee ka soo jeeda jinsiga Hutuga iyo ciidamada dalkaas oo ay awooddooda heystaan jinsiga laga tirada badan yahay ee Tutsiga.

Sanadkii ina dhaafey kooxda ugu weyn Falaagada mucaaradka ah ayaa dowladda ku biirtey, laakiin bari dhaweyd ayey haddana ka baxdey iyadoo ku cabatey in saamiga laga siiyey dowladdu uuna kaafi ahayn oo uuna u dhigmin kii ay xaq u lahaayeen.
Xoghayaha QM, Kofi Annan ayaa sheegey inuu rajeynayo in qaraarkan cusub ee hadda Golaha Ammaanku uu soo saarey uu dadka reer Burundi siiyo dhiirigalin ay hore ugu socdaan oo ay ku xalliyaan mowduucyada qeybaha iska soo horjeeda ay isku khilaafsanyihiin oo muddo dheer soo taagnaa.

Safiirka Burundi u jooga QM, Ambasador Mark Nteturuye ayaa sheegey ciidamada ka socda Midowga Afrika ee haatanba jooga Burundi ka sokow, in la filayo iney halkaa tagaan ciidamo nabad ilaalineed oo ka kala imanaya Nepal iyo Pakistan.

Waxa uu Amabasadoorka Burundi intaas uu ku darey iney dhowrayaan ciidamo kale oo ay leeyihiin dalalka Afka Faransiiska ku hadla.

Ciidamada nabad ilaalinta ee loo dirayo Burundi waxa ay marka hore heystaan shaqo lix bilood ah oo ay Burundi ku joogayaan, laakiin waxa la filayaa in loo cusbooneysiin doono.

Top


Dhamaadkii Shir-Madaxeedka Carabta Iyo Go’aanada Saluugga Leh

Tunis May 24, 2004 (W.Wararka) Shir-madaxeedkii carbeed ee mudada labada cisho ah ka socday dalka tuuniisiya ayaa la soo gabagabeeyey iyadoo madaxda Carabtu ay isku raaceen dib u habayn dhinaca siyaasada ah oo ay sameeyaan iyo iskaashi inta haatan ka badan oo ay dalalka Carabtu yeeshaan.

Shir madaxeedkan Carbeed ee Tuunis ayaa inta badan madaxda iyo boqorada dawladaha carbeed ka maqan yihiin, iyagoo kuwa joogaana lagu wado inay xili hore ka tagaan. Kulankan ayaa ku soo beegmay xili shaarica carabta uu aad u kacsanyahay iyadoo dhirbaaxooyin isku xigxiga ay kaga imanayaan dhinaca Israa'iil iyo Maraykanka.
Sida laga soo xigtey nuqul ka mid ah dukumentigaas oo war baahinta si qarsoodi ah loogu dusiyey, waxa qoraalkaasi sheegayaa in madaxda Carbtu ku ballangalaan iney la yimaddaan isbedello xagga siyaasadda ah oo dalalkooda ay ka sameenayaan.

Shirkan waxa la qabanaya wakhti ay carabtu dareensantahay in dhirbaaxooyin isku xigxiga ay ku dhacayaan, iyaguna ayna laheyn awood ay ku jawaabaan.
Marka shirkan ay ku galyaan Tunisia, madaxda adduunka Carbtu waxa ay ogyihiin in shicibkooda ay ugu muuqdaan kuwa gabi ahaan lumiyey awood ay wax ku bilaabaan oon aqoon meel ay wax ka bilaabaan.

Laakiin shirkani madaxda Carabta uga furmay Tunisaia, waxa laga filayaa inuu wax weyn soo kordhiyo oon ka ahayn iney halkaas madaxda Carabtu ka jeediyaan cambaareyn ay ka muuqato af-maalnimo ama balaaqa ku saleysan daacadardii caadiga ahayd ee ka soo yeedhi jirtey shirarkii kan la midka ahaa iyo eedeymo loo jeedinayo saaxiibada Mareykanku ku leeyahay gobolka.

Arinkaas ayaa laga yaabaa inuu sababey in hogaamiyayaasha Carabta intooda badan ay shirkan ka maqnaadaan oo ayna ka oo qeybgalin.

Qaar kale oo ka mid ah madaxda Carabta ayaa sababta ay uga maqnaanayaan shirkan uu noqon karaa iyaga oon dooneyn iney magac weyn u sameeyaan dukuminti lagu ballansanyahay in Sabtida la isku raaco oo ku saabsan isbedelo siyaasadeed oo laga sameeyo waddamada Carabta.

Amurtan waxa dad badani u arkaan iney tahay iskuday adduunka Carbtu ku doonayo inuu iskaga weeciyo caddaadiska kaga imanaya Mareykanka.

Sida laga soo xigtey nuqul ka mid ah dukumintgaas oo war baahinta si qarsoodi ah loogu dusiyey, waxa qoraalkaasi sheegayaa in madaxda Carabtu ku ballangalaan iney la yimaddaan isbedello xagga siyaasadda ah oo dalalkooda ay ka sameenayaan.

kuwaas oo ay ka mid yihiin in la waasiciyo ka qeybgalka siyaasadda dalka, in la ixtiraamo xuquuqda aadamaha iyo in la balladhiyo doorka dumarku ka qaadanayaan siyaasdda wadamada carbeed.

Si kastaba ha ahaatee, waddan kasta oo carbeed waxa uu awood u yeelan doonaa iney qaataan xaddiga uu leeyahay isbedelada ay dalkooda ka sameynayaan iyagoo hirglinaya marba isbedelka ay u arkaan inuu la jaanqaadi karo dalkooda.

Top


Suudaan: Colaada Gobolka Daarfuur Oo Heshiis Laga Gaadhay

Islamabad May 24, 2004 (W.Wararka) Waxa barigii hore Pakistan laga saarey Ururka Barwaaqo-sooranka ka dib markii uu Jeneraal Pervez Musharraf uu dalka Pakistan afganbi ku qabsadey.

Wasiirada dalalka Barwaaqo-sooranka ayaa bogaadiyey horumarka uu dhinaca dimoqraadiyadda uu ka sameeyey Jeneraal Musharraf oo dalka qabsadey 1999kii.
Laakiin markii dambe ayey Ururka Barwaaqa-sooranku London ka sheegeen iney indhaha ku heyn doonaan arimaha dareenka laga qabo.

Diblomaasiyiin ayaa sheegey in Britain iyo Australia ay Madexweyne Musharraf soo celinta ay dalkiisa ku soo celiyeen ugu abaal gudayaan gacanta uu ka geystey la dagaalanka al-Qaacida.

Pakistan ayaa hadda loo arkaa iney saaxiib muhiim ah u tahay dagaalka uu Mareykanku hormoodka ka yahay ee lagu qaadey waxa loogu yeedho argagixisada.
Xoghayaha Guud ee Ururka Barwaaqo-sooranka, Jeneraal Don McKinnon ayaa shir jaraa'id oo Sabtidii la qabtey kaga dhawaaqey dib ugu ogolaanshaha Pakistan lagu soo dhaweeyey Barwaaqo-sooranka.

Waxa uu Mr McKinnon sheegey in ururku filayo in Mr Musharraf uu iska casilo madaxtinimada uu ciidamada qalabka sida ka hayo marka la gaadho sanadka dhammaadkiisa sidii uu hore u ballanqaadey.
Go'aanka Pakistan loogu oglaadey iney dib ugu soo laabato Ururka Barwaaqo-sooranka waxa soo dhaweeyey dowladda cusub ee dalka India oo Pakistan cadow u ahaan jirtey.

Top


Ciidamada Maraykanka Oo Weerar Ba’an Ku Qaaday Najaf

Baqdaad May 24, 2004 (W.Wararka) Ciidamada maraykanka ayaa la sheegay inay dileen 30 ka mid ah taageerayaasha wadaadka Muqtada al-sadri kadib markii uu dagaal qadhaadhi ku dhex maray magaalooyinka Najaf iyo Karbala maalintii shalay iayagoo isla markaana dhaawacay 50 kale, balse wararku may sheegin khasaaraha soo gaadhay dhinaca Maraykanka.
Dhinaca kale, Mareykanka iyo Britain ayaa maalmhanba hoosta ka wadey diyaarinta qaraar ku saabsan arimo la xidhiidha xaalada dalka Ciraaq.

Qaraarkani waxa uu waddada u sii xaadhayaa qorshaha iyo abaabulka la doonayo in Ciraaq dowlad dhidabada loogu aaso ka dib marka ciidamada mareykanku hogaaminayo ay awoodda ku wareejiyaan dowlad Ciraaqiyiintu maamulaan.

Waxa wararku sheegayaan in Britain iyo Mareykankuba ay si aan waadix ahayn ay hoosta uga wadeen in la isku raaco qaraar cusub oo Golaha Ammaanku soo saaro.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Britain ayaa sheegeysa in wadiiqada lagu gaadhayo qaraarkaas ay haatan mareyso marxalad aad u muhiim ah. Waxana ay wasaaraddu carabka ku dhajisey in inkastoo ay weli qulqulatooyin ka socdaan Ciraaq, haddana in aan la dhaafeyn oo June 30da Ciraaqiyiinta xukunkooda lagu wareejin doono.

Iyadoo haatan sida muuqata ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Britishku ay Ciraaq sii joogi doonaan wakhti aan la cayimin waxa jira caqabado horyaal ciidankaas.

Fikir ahaan, madaxbannaanida lagu wareejinayo Ciraaqiyiintu waxa ay Mareykanka iyo Britian u keeni kartaa in askartooda lagu qaado shuruucda Ciraaq u taal oo la soo saaro maxkamadaha Ciraaq.

Laakiin waxa la filayaa in ciidamada caalmiga ee sii joogaya Ciraaq ay qaraarkan cusub ku heli doonaan dhowrsasaan ka badbaadineysa in lagu qaado qawaaniinta Craaq.

Iyadoo weli ay socdaan eedeymihii la xidhiidhey in maxaabiis Ciraaqiyiina lagu xad-gudbey, waxa ay u dhowdahay in go'aanka qaraarkani uu keeni doono khilaafaad.

Top


Dagaalyahan Kaashmiir Oo Weerar Ka Fuliyey Hindiya

New Delhi May 24, 2004 (W.Wararka) dagaalyahan reer kashmiir ah ayaa weerar ku qaaday gaadhi ay saarnaayeen ciidamo reer Hindiya ahi taasoo keentay dhimasho iyo dhaawacba.

Dhinaca kale Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Hindiya ayaa ku hawlan dhismaha xukuumadiisa.

Manmohan Singh waxa lagu aaminay jagada Ra'iisal-wasaaranimada ka dib markii Sonia Gandhi ay diidey iney qabato.

Manmohan Singh oo ah aqoonyahan aan isla weyneyn ahna Ra'iisalwasaaraha cusub ee India waxa uu maalmihii ina dhaafey wakhti galiyey jagooyinka wasaaradeed ee uu saaxiibadiisa siyaasada ku xoogan ee ka tirsan xisbigiisa uu siin lahaa.

Manmohan Singh oo wax ku soo bartey Jaamacadaha Oxford iyo Cambridge ayaa sumcad ku heley inuu ahaa ninkii la yimid isbedeladii dhaqaale ee India laga sameeyey horaantii sanooyinkii 90-yadii.

Manmohan Singh oo ka dhashey qowmiyada tirada yar ee Singh ayaa ah qofkii ugu horeeyey ee ka tirsan beelaha laga badanyahay ee dalka India ka noqda Ra'iisalwasaare.

Shaqada ugu horeysa ee u taal Mr Manmohan Singh waa qeybinta jagooyinka wasiirada isagoo aan ka cadheysiinin mid ka mid ah axsaabta tirada badan ee xisbigiisa dan wadaagta la ah.
Waxa jira mala awaal badan oo lagu odorosayo cidda qaban doonta jagooyinka sar sare ee India. Laakiin waxa aad loo rumeysanyahay in Wasaaradaha muhiimka ah sida Maaliyadda, Gudaha, Gaashaandhigga iyo Arimaha Dibadda uu xisbiga Kongeresku la hadhi doono.

Top


Asraartii Ku Xeernayd Xadhigii Kooxdii Ismaaciil Iyo Cumar

Q: 16aad

Markhaatiga 15aad – G/Dhexe Ismaaciil Cumar Maxamed – dhaarta kadib wuxuu furay: “Waxaan ka tirsanahay NSSka Gobolka Banaadir waxaan ka mid ahaa kooxdii soo baartay guriga eedeysane Cumar Carte Qaalib oo uu hogaaminayay G/Dhexe Abuukar Maxamed ayna ka mid ahaayeen G/Dhexe Cabdulqaadir Axmed iyo Saraakiil Xigeen kale. Gurigaas oo ku yaal Degmada Shingaani, una dhow Wakaaladda Caymiska, markaan tagnay waxaan guriga kula kulanay dhowr dumar ah oo midood iskugu kaaya sheegtay Xaaskiisa, taasoo nala socotay markaan baareynay guriga.
Guriga waxaan ka soo qaadnay boors yar oo madow oo ay ku jireen waraaqo kala duwan iyo joornaal ka hadlaaya Saraakiisha Soomaaliyeed oo loo kala qaybiyay kuwo shaqada laga saaray iyo kuwo la laayay.

Waxaan kaloo ka soo saarnay boorsada, Dokumenti ku taariikhaysanaa 28/4/1982 kuna socday Dear Jaxaf oo ka hadlaaya Abaabulka, Hawlgallada iyo Qorshaha ururka SNM.
Domenti kale oo ka koobnaa dhawr bog oo qoraal ah kuna taariikhaysnaa 2/5/1982 kuna socday Dear Jaxaf oo ka hadlaaya Xasaradaha ka oogan gobollada Waqooyi.
Dokumenti kale oo ku taariikhaysan 9/5/1982 kuna socda isla Dear Jaxaf kuna saabsan warbixino dahsoon oo xiriirinaaya Xubnaha ururkaas xaaraanta ah.

Warqad ka timid magaalada Riyaad ee Dalka boqortooyada Sacuudiga oo ku taariikhaysan 21/2/1982 kuna socotay May Dear Cumar.

Wax kale oo aan ka xasuusto Dokumenti gurigaas laga soo qaday ma jirto.
Markhaatiga 16aad – G/Dhexe Shariif Xuseen Maxamed – Dhaarta kadib wuxuu furay: “Waxaan ahay Farsamo yaqaan ka tirsan Hoggaanka Isgaarsiinta ee Nabadsugida Soomaaliyeed”.

Waa jirtaa in maalin uu ii yeeray Guddiga Sare ee Baarista Dacwadaha oo joogay NSSta Gobolka Banaadir, markaan tagayna uu Guddigu igu amray inaan furo Boorso yar oo Sam-samnayd ah oo midabkeedu madoobaa, boorsadii waxaan ku furay hab farsamo, hase yeeshee lamarkii aan ku furay hadda ma xusuusto.

Markaan furay boorsada, waxaan ka soo saaray Dokumenti kala duwan iyo saddex xirmo oo min boqol boqol ah oo ah lacagta Dollarka Mareykanka, kadib waxaan ku wareejiyay Guddigaas, hase yeeshee anigu ma sheegi karo boorsadaas ciddii lahayd iyo gurigii laga soo qaaday midna.

Markhaatiga 17aad – Danjire Cabdisalaan Macallin Aadan – dhaarta kadib wuxuu furay: “1982dii waxaan ahaa Qunsulka Guud ee Safaaradda JDS ee Riyaad, Safar ay ku wada yimaadeen Eedeysanayaal Cumar Carte & Ismaaciil Cali Abuukar ayagoo wada socda dalka Sacuudiga ma jirin, hase yeeshee 1982 Eedeysane Cumar Carte Qaalib kaligii waa jirtaa inuu yimid Dalka Sacuudiga. Meel kale oo aan Danjire ka noqday ma jirto.

Magaalada Baqdaad La-taliye ayaan ka ahaa, wayna yimaadeen ayagoo wafdi ah oo ka socda Baarlamaanka Soomaaliyeed oo martikhaad saaxiibtinimo ah uu u fidiyay barlamaanka Ciraaq.

Waa jirtaa inaan la sheekeystay Eedeysane Cumar Carte Qaalib oo ay naga dhexeysay saaxiibtinimo hore, sheekadaasoo ahayd mid caadi ah; mana xasuusto wixii layga qoray iyo warqadii Sirta ahayd oo aan u soo qoray Madaxda, maxaa yeelay muddo fog ayaa ka soo wareegtay, hawshaydana kuligeedba waa sir. Saxiixa warqadaan la’I tusayana wuxuu u eg yahay kayga, warqaduna waxay leedahay Calaamadda Xafiiskii aan joogay oo dabeecadiisu tahay Xafiis Sireed.

Markhaatiga 18aad – Danjire Cabdullahi Xaaji Abuukar (Gacma Dheere) – Dhaarta kadib wuxuu furay: Sannadku markuu ahaa 1982 Danjire ayaan ka ahaa Dalka Ciraaq, waana jirtaa in Cumar Carte Qaalib iyo Ismaaciil Cali Abuukar oo ka socda Barlamaanka JDS ay yimaadeen magaalada Baqdaad, kuna yimaadeen Siyaaro Rasmi ah oo ay ku martiqaaday Barlamaanka Dalka Ciraaq, anigana sidaas ayaa laygu soo wargeliyay, waxaana kaga hortagnay garoonka Baqdaad, ayagoo halkaas uu ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Shacbiga ee Ciraaq iyo mas’uuliyiintii kale ee halkaas.
Booqashadaas markay ku imaanayeen Dalka Ciraaq ma joogin wafdi kale oo Baarlamaani ah oo halkaas lagu martiqaaday.

Asagoo ka jawaabaya su’aalihii ay weydiiyeen Qareenada Ismaaciil Jimcaale Cosoble & Cabdullahi Macallin Cabdulle markhaatigu wuxuu yiri: “Wafdiga iyo Dawladda Ciraaq markay wada kulmayeen waan la joogi jiray kulmadda rasmiga oo dhan, mana jirto mid aan ka baaqday.

Asagoo ka jawaabaya su’aalihii uu weydiiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee MBD, markhaatigu wuxuu yiri: “Anigu ma xaqiijin karo inay jireen iyo in kale meelo kale oo lagu kulmay”.

Danjiraha Dawladda Ciraaq u fadhiya JDS lama soconin markuu wafdigu imaanayey Ciraaq, hase yeeshee inuu ka daba yimid ama inuu ka soo horeeyay ma xaqiijin karo.
Markhaatiga 19aad – Maxamuud Cabdulle Cali – dhaarta kadib wuxuu yiri: “Waxaan ahay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Badbaadada Shaqaalaha, Eedeysane Cumar Carte Qaalib waan aqaan, muddo dheer ayaan sheekeysan jirnay, wuxii aan ku sheekeysanno oo dhan iyadoo qoraal ah ayaan waxaan u gudbin jiray NSSta.

Waxyaabaha sheekooyinkaas uu ii sheegay aan u arkay inay muhiim yihiin waxay kala ahaayeen: 1982 mar aan is aragnay isagoo wajigiisa ka muuqato caro wuxuu iug yiri:- Maxamed Siyaad Barre dalka wuxuu ku maamulaa Qabiil iyo Musuqmaasuq, Ummadda Soomaaliyeedna waxaa looga baahan yahay inay fahanto.

Mar kale oo aan is aragnay wuxuu igu yiri Dowladda Mareykanku aad iyo aad ayay u daneyneysaa, una rabtaa inay xiriir la yeelato Soomaaliya, hase yeeshee Xukunka Maxamed Siyaad Barre ma doonaayo.

Maalin kale oo aan kulanay iskuna aragnay Dukaanka Ina Xaarato oo uu Cumar Carte alaab ka iibsanayey wuxuu igu yiri, Dowladda Siyaad waa Dowlad loo dhisay Danaha Daaroodka oo kaliya, waxayna Cadaadisaa ayadoo aan haba yaraatee Tixgelin siineyn Hawiyaha oo dhan Dowladda aan dhisi doonno, waxay yeelan doontaa Qaab Cusub oo wax ka badesha nidaam Xumadaan hadda taagan.

Asagoo ka jawaabaaya Su’aalihii uu weydiiyay Qareen Ismaaciil Jimcaale; Markhaatigu wuxuu yiri: “Waa jirtaa inaan ka shaqeyn jiray Safaaradda J. D. S. ay ku leedahay Magaalada Baariis Sannadka markuu ahaa 1969 – 72, waana jirtay inaan is qabanay Shaqaalaha joogay Safaaradaas, hase yeeshee Cumar Carte sooma dhexgelin; waana jirtaa inay Maxkamadda Badbaadada Dalka ee Xamar I Xukuntay Hadda ka hor arrimo la xiriiray dekomenti la’isku haystay, hase yeeshee Arrintaas waxba ugama jiraan Markhaatiga aan furaayo.

“Markaan isku arkaynay Cumar Carte Dukaan Cali Xaarato iyo Goobaha kale ee aan soo sheegay, asaga kaliya oo Careysan ayaa iska hadli jiray, Dowladdana Cay iyo Aflagaado ka sheegi jiray, danta uu kalahaana ma sheegi karo anigu, markasta oo aan is aragno wararka waan ka guri jiray, kadibna waxaan u gudbin jiray Hay’addaha Nabadgelyada, maxaa yeelay waxay ahaayeen sir dowladeed (Segreto di Stato), goobjoogayaalna wey jireen, waxaana ka mid ahaa Nin dhintay.

Asagoo ka jawaabaaya Su’aalihii uu weydiiyay Qareen Cabdullaahi Macallin; Markhaatigu wuxuu yiri: “Cumar Carte Qaalib waxaan is aragnay Saddex ilaa Afar jeer muddo aan ku Qiyaasay Muraadna kama lahayn Aragtidiisa waxaana isku arki jirnay Dariiqa oo aan kuwada hadli jirnay, badanaaba kaligiis ayaa hadli jiray oo kacsanaa.

Asagoo ka jawaabaaya su’aalihii uu weydiiyay Qareen Maxamed Raajis Maxamed; Markhaatigu wuxuu furay: “Markasta oo aan wada kulano wuxuu ii sheego isla markiiba waxaan u gudbin jiray Hay’adda Nabadgelyada ayadoo qoraal ah.”

La soco.

Top


CILMIGA IYO TIKNOOLOJIGA

CILMIGA IYO TIKNOOLOJIGA
C/fataax M. Caydiid
Barashada Kumbuyuutarka
Casharka 33
CD Burner-ka (CD-R / CD-RW Drivers)

Sawir muujinaya nooc ka mid ah CD Burner-yada jira iyo saxammada CD-ga ee uu qaato

Xawaaraha CD Burner-ka

Xawaaraha CD burner-ka waxaa loo cabbiraa sida CD-ROM-ka sidaa darteed fadlan eeg Casharradii 28aad iyo 29aad ee ku saabsanaa xawaaraha CD-ROM-ka. Si kastaba ha ahaatee xawaaraha CD burner-ku wuxuu ku xidhan yahay hadba hawsha uu markaa qabanayo. Marka uu wax qorayo ama uu wax masaxayo wuxuu inta badan adeegsadaa xawaare ka hooseeya kan uu wax ku soo akhriyo. Marka la sheegayo xawaaraha CD-R drive-ka waxaa la sheegaa xawaaraha wax akhriska iyo kan wax qoridda. Marka la sheegayo xawaaraha CD-RW drive-kana waxaa la sheegaa xawaaraha wax akhriska, kan wax qoridda iyo kan wax masaxidda ama ku dul qoridda.

Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa inaad aragto CD-RW drive ay ku qoran tahay 32X/10X/40X. Taas oo u taagan in xawaaraha wax qoriddu uu yahay 32X, kan ku dul qoridduna uu yahay 10X halka kan wax soo akhrintuna uu ka yahay 40X. Waxaad halkaa ka garan kartaa in uu farqi weyn u dhexeeyo xawaaraha akhriska iyo kan ku dul qoridda. CD-R drive-ka isaga waxaa lagu qoraa laba tiro sida 32X/40X oo sheegaysa in xawaaraha wax qoriddu uu yahay 32X kan wax soo akhrintuna uu yahay 40X.

Program-yada CD burner-ka
CD burner-ka waxaa inta badan la socda barnaamij (program) loogu tala in lagu hago lagana maamulo hawlaha uu CD burner-ku qabto. Barnaamijkaas waxaa loo adeegsadaa in lagu diyaariyo macluumaadka la rabo inta aan CD-ga lagu qorin. Tusaale ahaan haddaad rabto in macluumaadka muhiimka ah ee kumbuyuutarka kuugu jira aad CD ku kaydsato wuxuu program-kaasi kuu suurto gelinayaa in macluumaadkaas aad isu soo ururiso oo aad nidaamiso inta aadan CD-ga ku qorin. Marka aad go'aansato in macluumaadkaas aad CD-ga ku qortana isla program-kaas dhexdiisa ayaad CD burner-ka ka amraysaa inuu macluumaadka CD-ga ku qoro. Waxa kale oo program-kaasi uu kuu suurto gelinayaa inaad doorato nidaamka CD-ga wax loogu qorayo sida Single Session ama Multi Session iyo nooca macluumaadka CD-ga lagu qorayo sida Data ama Audio. Sida aad halkaa ka garan karto program-kaasi wuxuu fududeeyaa hawsha koobiyaynta iyo wax ku qoridda CD-yada iyo guud ahaan isticmaalka CD burner-ka. Sidaa darteed waa muhiim in haddii aad CD burner iibsanayso aad iska hubiso in uu wato program hawlahaas loogu tala galay iyo weliba dukumenti sharraxaad fiican ka bixinaya sida program-kaas loo isticmaalo.
Program-yada noocan ahi way fara badan yihiin waxaase kuwa ugu caansan ka mid ah Nero, Clone CD, Easy CD Creator, Roxio iyo kuwo kale.

Casharkanna halkaas ayaanu ku joojinaynaa. Casharka kan ku xigga waxaan hadduu rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa DVD Drive-ka.

La soco.

Top