Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 620 June 30, 2004

Shir Boorama Ugu Dhamaaday Xubno Ururada Haweenka ee Lixda Gobol Ee Somaliland

Masuuliyiin Lagu Laayey Boosaaso Oo
Gaas Ku Sii Shiday Khilaafaad Siyaasadeed Iyo
Xurgufo Beelaysan Oo Hore Uga Oognaa Puntland
“Himaladeenu Waa Puntland Oo Sii Jirta Iyo Shirka
Soomaalida Oo Ay Ka Soo baxdo Dawlad Soomaaliyeed “ Cabddilaahi Yuusuf

Ceerigaabo: Hay’’ad Samafal Oo Gudoonsiisay 70 Haweena Lacag Amaah Ah

Waa In La Helo Siyaasad Suurtagal Ka Dhigta In Berbera Dib Loogu Soo Noqdo

“Wakaaladda Biyaha Waxa Xukuma Wiilal Yaryar Oo Baangado Sita, Biyana Nooma Soo Dhacaan”

Jaamacadda Hargeysa Iyo Hawl-Galka Dib-U Dhiska

Ururka NOW Iyo Doodda Horumarinta Haweenka Somaliland

Gabagabada Asraartii Ku Xeernayd Xukunkii Kooxdii Ismaaciil Cali Abokor Iyo Cumar Carte Qaalib

RAADYOW MA QALOOCSHE

Xisbiyada Mucaaradka UCID Iyo KULMIYE Oo Maxkamadda
Sare Hor Dhigay Dacwad Ka Dhan Ah Xukuumadda

WAADIGA CIYAARAHA: Milan Baros Oo Si Ba’an U Weeraray Tababarihii Hore Ee Liverpool Gerard Houllier

Maraykanka Oo Markii U Horaysay Maamulka Ku Wareejiyey Dawladda Ku Meel- Gaadhka Ah Ee Ciraaq
Goorma Ayaa Maamulka Ciraaq
Gacanta Loo Gelin Doonaa Sadaam Xuseen

Dowladda ku meel gaadhka ah ee Iyad Allawi waxa loo arkaa mid lagu meel gadhayo


Shir Boorama Ugu Dhamaaday Xubno Ururada Haweenka ee Lixda Gobol Ee Somaliland

Boorama June 30, 2004 (Haatuf )-- In ka badan 15 xubnood oo ka kala socday  ururro haween ah oo ka furan lixda Gobol  ee Soomaaliland ayaa shalay shir ugu dhammaaday Boorama .

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed cumar Kulankan oo ku saabsanaa sidii kor loogu soo qadi lahaa aqoonta dhinaca siyaasadda ee Haweenka iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen  tartanka doorashooyinka Baarlamaanka  ee soo socda iyo sidii ay ragga ugula tartami lahaayeen mansabyada  sare ee xukuumadda , ayaa waxa gebogabadii kulankan ka hadlay  xubno ka socday ururada haweenka ee gobolada sida Saaxil,sool,Awdal,Hargeysa,togdheer iyo sanaag iyadoo haweenay ama marwo kastaa ka hadashay duruufaha wacyi ee haweenka goboladaasi  ka taaganyihiin dhinaca siyaasadda  iyo maamulka dawladda,iyo dhibaatooyinka kala duwan ee ka hortaagan inay si buuxda uga qaybgalaan.

Marwo Khadra Cali Axmed oo  haweenka Goboladaasi marti u ahaayeen ayaa  hadal ay xidhitaanka kulankan ka jeedisay uga mahadcelisay sidii ay uga soo jawaabeen  martigelintooda isla markaana suurtageliyey inay kala qaataan fikradaha ku saabsan sidii haweenka goboladaasi loogu horumarin lahaa garaadkooda siyaasadeed iyo doorka ay ka qaadan karaan inay mansabyada  sare ee Xukuumadda kula loolamaan ragga.

Marwo khadra  waxa kale oo ay sheegtay in shirkani yahay kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee lagu qabto Boorama,waxayna u rajaysay haweenka ka yimi gobolada in mustaqbalka sii xoojin doonaan xidhiidhka ururadan haweenka. Intii ay Joogeen  xubnaha haweenka ka socday Gobolada dalku waxay soo  booqdeen xarunta Jaamacadda Cammuud iyo  xarumaha ururada Haweenka qaarkood ee Boorama  ka furan. Kulankan waxa soo qabanqaabiyey  Xafiiska Siyaasadda ee Haweenka Soomaaliland (Somaliland Women’s Political Forum).

Top


Masuuliyiin Lagu Laayey Boosaaso Oo
Gaas Ku Sii Shiday Khilaafaad Siyaasadeed Iyo
Xurgufo Beelaysan Oo Hore Uga Oognaa Puntland
“Himaladeenu Waa Puntland Oo Sii Jirta Iyo Shirka
Soomaalida Oo Ay Ka Soo baxdo Dawlad Soomaaliyeed “ Cabddilaahi yuusuf

Boosaaso, June, 29, 2004 (Haatuf): Maayarkii magaalada dekedda ah ee Boosaaso, Maxamed Siciid Sayruukh iyo taliyihii ciidamada dawladda hoose ee Boosaaso Cali Xuseen Geesood ayaa geeriyooday, ka dib markii ay koox dabley barqaddii shalay rasaas ku fureen niman dabley ahi badhtamaha magaalada Boosaaso.

Waxa kale oo weerarkaa dhaawac culusi ka soo gaadhay xoghayihii dawladda hoose ee Boosaaso Maxamud Yuusuf Axmed. waxaana jira warar aan la xaqiijin oo aanu xalay helay oo tibaaxay inuu xoghayihiina u dhintay dhaawicii soo gaadhay.

Sida ay sheegeen wararku dilkaasi waxa uu dhacay abaara 10:00 subaxnimo, waxayna dableyda hawl-galkaa fulisay saarnaayeen baabuur Mark2 ah, isla markaana dableydii dilka geysatay lama qaban ee way baxsadeen, lama sheegin meel ay qabteen.

Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin raggaa loo laayey, waxaase soo baxaya warar is-khilaafsan oo ku saabsan sababta nimankaa loo laayey iyo halka ay ka soo jeedaan cidda dilka geysatay.

Sida ay sheegeen ninka maayarka ah ee la dilay waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa qabiilka la yidhaahdo Dashiishe oo ka mid ah beelaha ku dhaqan degaanka Boosaaso, sidoo kale ninka dhaawaca culusi soo gaadhay, wararka qaarna ay leeyihiin dhaawicii ayuu u dhintay waxa uu isna abtirsiimo ahaan ka soo jeedaa qabiilka la yidhaahdo Cismaan Maxamud oo iyaguna reer Boosaaso ah. isla markaana ninka maayarka Boosaaso ah ee la dilay (marxuum Maxamed Siciid Sayruukh) waxa uu ka mid ahaa raggii hogaaminayey ciidamadii mucaaradkii janaraal Cadde Muuse ee mudada fadhiyey degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Wararka qaarkood ayaa tibaaxay inuu dilkaasi salka ku hayo khilaafaad beelaysan oo indhowaale dareenkeedu ka oognaa magaalada Boosaaso iyo nawaaxigeedaba, waxayna tibaaxaha ka soo yeedhaya reer Boosaaso dableyda dilka geysatay ku tilmaameen inay ka soo jeedaan qabiilka la yidhaahdo Cali Saleebaan oo iyaguna ka mid ah beelaha reer Boosaaso.
Waxa kale oo ay warar qaar sheegeen in mudooyinkan dambe uu khilaaf weyni ka dhex-oognaa maayarkii geeriyooday iyo kuxigeenkiisa, iyadoo ay mar sheekadu gaadhay in xilka magaalada lagu wareejiyo maayar-xigeenka. Laakiin wararku ma sheegin inuu dilka marxuumkaasi xidhiidh la leeyahay khilaafkii u dhexeeyey maayar-xigeenkiisii.

Wasiirka dawladaha hoose ee maamul-goboleedka Puntland, Cali Cabdi Awaare ayaa dhowaan soo saaray wareegto uu shaqada kaga fadhiisiyey maayarka la toogtay, isaga oo hawshiisiina ku wareejiyey maayar-xigeenkiisii, laakiin madaxweyne-kuxigeenka maamul-goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa wax yar ka dib isna soo saaray wareegto uu ku burinayo go’aankii wasiirkiisa, wuxuuna amray inuu maayarka Boosaaso shaqadiisa wato.

Magaalada Boosaaso oo ay bilihii u dambeeyey si weyn u ruxayeen khilaafaad siyaasadeed iyo xiisado reeraysan oo u dhexeeya qaar ka mid ah beelaha reer Boosaaso ayey dhacdadan u dambaysay si weyn u gil-gishay xasiloonidii magaalada, waxaana magaalada Boosaaso iyo guud ahaan degaamada maamul-goboleedka Puntland ku soo kordhay dareen walaac leh oo nabadgelyo daro.

Inkasta oo ay magaalada Boosaaso xasiloonayd ilaa xalay, hadana waxay dadku aad uga werwersanaayeen sida ay xaaladdu ku dambaynayso, iyadoo laga cabsi qabo inay xaaladdu faraha ka baxdo, waxaana magaalada ka oogmay dareen walaac leh iyo dhaqdhaqaaqyo didmo leh.

Dhacdadani waxay ku soo beegantay laba maalmood oo keliya markii uu dalka ku sugnaa C/laahi Yuusuf oo ka soo kicitimay shirka Kenya, iyadoo ay ujeedada imaatinkiisu la xidhiidho sidii uu u xalili lahaa khilaaf xoog leh oo hadheeyey maamul-goboleedkiisa, khilaafkaas oo bilihii u dambeeyey si weyn isu soo tarayey waxa uu maalmihii u dambeeyey gaadhay meel xun, waxaana la sheegay inay samaysmeen laba kooxood oo uu mid hogaaminayo madaxweyne-kuxigeenka maamul-goboleedka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi, halka kooxaha kalena horkacayaan niman taageersan C/laahi Yuusuf.

Inkasta oo ay jiraan ciladdo dhawr ahi, hadana ciladda ugu weyn ee khilaafka maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf waxa uu bilaabmay markii dhowaan la isku qabtay mudada haloo kordhiyo maamulka iyo loo kordhin maayo, taas oo ay baarlamaanka Puntland dhowaan kala direen golihii wasiirada C/laahi Yuusuf. Laakiin C/laahi Yuusuf waxa uu hadda ku sugan yahay magaalada Garoowe, waxaana laga filayaa inuu wax ka qabto xaaladda murugsan ee ka dhex-taagan masuuliyiinta maamulkiisa, lamase oga talaabooyinka oo uu qaadayo iyo halka uu arinta ka gelayo, waxaase la filayaa inuu koleyba dhisi doono gole cusub oo wasiiro ah. iyadoo dhinaca kalena ay wararka qaar leeyihiin C/laahi waxa uu Nayroobi ka soo kicitimay iyadoo uu dhiniciisa ka ooggan yahay khilaaf weyn oo ku saabsan xulista xubnaha baarlamaanka la doonayo in halkaa lagu sameeyo, taas oo la sheegay inay culays weyn ku haysay C/laahi Yuusuf, waxaase la sheegay inuu soo cararay ka dib markii ay qaylo-dhaani uga timi dhinaca Puntland, iyadoo lagu yidhi soo carar xaaladdu isku dhalaashaye.

“Himiladeenu waxa weeye inay Puntland sii jirto, shirka Soomaaliduna guulaysto oo lagu soo dhiso dawlad loo dhan yahay oo Soomaaliyeed”ayuu yidhi C/laahi Yuusuf isaga oo doraad la hadlayey dad ku soo dhoweeyey madaxtooyadiisa Garoowe. Laakiin ilaa hadda waxba kama odhan saraakiisha lagu laayey Boosaaso.

Top


Ceerigaabo: Hay’’ad Samafal Oo Gudoonsiisay 70 Haweena Lacag Amaah Ah

Ceerigaabo June 29, 2004 – (Haatuf)- Hay’adda samofalka ee DRRVO ayaa khamiistii todobaadkii ina dhaafay xaflad ku gudoonsiisay lacag dayn ah, (70) todobaatan haween ah oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee magaalada Ceerigaabo. Xafladaas oo lagu qabtay xafiiska Hay’adda DRRVO waxa ka soo qayb galay duqa magaalada Ceerigaabo, isuduwaha wasaarada qorshaynta iyo masuuliyiin kale oo ka tirsana golaha degaanka .

Sida uu kusoo waramay weriyaha Haatuf ee Gobolka Sanaag C/rashiid Xasan Cabsiiye waxa kale oo ka soo qayb galay kulanka xaflada Hay’addaha samoflka caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ah ee kala ah Care, Cefa , Cins , Saado , SCBO , ISRS, SFO.

Waxaana ugu horayn xafaladaa ka hadashay guddoomiyaha ururka DRRVO Baar Siciid Xaaji Farax, waxayna warbixin kooban ka bixisay waxqabadka ururka iyo kaalinta wayn ee ay kaga jiraan horumarinta bulsho waynta gobolka Sanaag, iyadoo tidhi: “ Ururkani waxa uu gobolka ka fuliyey mashaariic kala duduwan sida dhisid berkado faro badan, ceelal la qoday iyo siminaaro kor loogu qaadayey aqoonta ganacsi ee haweenka. Waxa kale oo ururkani uu door wayn ka qaatay kobcinta dhaqaalaha haweenka ganacsatada ah, waxa aanu maanta halkan ku guddoonsiinaynaa lacag dayn ah 70 haween ah oo ganacsato yar yar ah, daynkan oo qofkiiba la gudoonsiinayo $500, lagana rabo in ay dib u soo celiyaan sadex bilood si loo amaahiyo todobaatan haween oo kale.

Waxanuna todobaadka danbe rajaynaynaa in aanu siino dayn kan oo kale la mid ah afartan haween ah oo degmada C/wayn ka tirsan iyo afartan haween ah oo degmada Maydh ah, waxanu kale oo horaantii bishan degmada Dhahar ku gaadhsiinay lixdan haween ah lacag dhaqaale abuuris ah, dadkaas oo ka mid ahaa qoysaskii ku soo caydhoobay dhibaatada abaaraha”.
Ugu danbayntii waxa ay hadalkeeda ku soo gunaanaday: “ Waxa deeqdan bixisay lagu horumarinayo haweenka gobolka Sanaag hay’adda OCAA ee dalka Ustareeliya”.

Waxa kale oo xaflada hadalo kooban ka jeediyey godoomiyaha golaha degaanka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, isagoo yidhi: “Waxasn u mahad naqayaa Hay’adda deeqdan bixisay ee OCAA iyo Hay’adda wadaniga ah ee daro , kuwaas oo aan marnaba la hilmaami karin wax qabadkooda”.

Waxa kale oo isna xafladaa ka hadlay Isduwaha wasaarada qorshaynta Xuseen Axmed Cabdule iyo xildhibaan Maxamuud Cawed Ducaale oo arrintan ku tilmaamay fursad wanaagsan oo ay heleen haweenkaasu, isla markaana loo baahan yahay inay ka faa’idaystaan, si haween kalena uga faa’idaystaan.

Top


Waa In La Helo Siyaasad Suurtagal Ka Dhigta
In Berbera Dib Loogu Soo Noqdo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin markii uu soo dhisay Golihiisa Wasiirada waxa uu wasaaradda Maaliyadda wasiir uga dhigay Xuseen Cali Ducaale, laakiin madaxda sare ee wasaaradda maaliyaddu waxay tan iyo xiligaa tamartood iyo awoodda wasaaradda isugu geeyeen nidaamka ay Berberi maanta u xidhan tahay, ka dib markii ay si is daba joog ah u soo saareen awaamiir iyo tacriifado aan caqli-galka ahayn ee noqday wax badso wax beel bay dhashaa!

Waxay Wasaaradda Maaliyaddu xidhay Dekaddii Berbera, ka dib markii saartay Ganacsatada Cashuuro fara badan oo aanay qaadi karayn, sidoo kalena lagu soo rogay culays dheeraad ah iyo cadaadis maamul, waxyaalahaas oo aan ka jirin Kastamada kale ee dalka, una gooni yeeshay Berbera oo keliya, markaasna ay ganacsatadii wax kala soo degi jirtay iskaga wareegeen, halkaasna ay is-kaga guureen Xamaaliintii iyo dadweynihii Xamaalka kaga dugsanayey duruufaha adag ee Magaalo xeebeedan Gobolka Saaxil ee Berbera.

Nolosha Magaalo Xeebadda Berbera marka aad eegto suuqydeeda waxaad arkaysaa tobanka qof ee kaa soo hor baxa waxa waallan afar ama saddex qof, kuwaas oo isugu jira kuwa dhar xidhan oo urursanaya Garaabada kudaafadaha taal-taal iyo kuwa qaawan oo markii ay shaqo la’aantu liciifisay kulaylaha xagaaguna ku dhuftay intay dharkii qubeen ay qaarna dagaalamayaan iyo kuwa kalena yaacayaan oo ka baxsanayaan buuqa magaalada, isla markaasna harraad iyo gaajo ugu le’day gooyaanada xeebaha Saaxil, halkaasna ay ku cunaan bahalaha uu ka mid yahay Dhidarka, Waraabaha IWM, taas oo aanay haysan daawo iyo daryeel midnaba, iyadoo xataa kuwii la geeyay Cusbataalada maskaxda ee hadda jira ay iskaga soo dareereen duruufo dhaqaale daro awgood, iyadoo aanay jirin guno shaqaale, daawooyin, qolol ku fillan buukaan-jiifka, dayactir, Dhakaatiir IWM.

Cusbataalka Magaalada Berbera oo ahaa cusbataalkii ugu sareeyay Somaliland dhinaca qaliinada, Jajabka iyo dawayntaba ayaa qofkasta oo gala naxdin iyo murugo ka muuqanaysaa, iyadoo ay sababtay dhaqaale la’aanta Berbera laga dhigay goob Xukuumada dhexe ay ka hesho Cashuuraha iyo dhaqaalaha dalka soo gala qaybta ugu badan 93% miisaaniyadihii sannadihii tagay balse lagala quustay in ay bal wuxuun dib ugu celiso dib u badbaadinta nolosha Gobolkan iyo Dadweynaha ku nool midnaba .

Sida la wada ogsoon yahay Magaaladan Berbera waxay ka cimilo duwan tahay Gobolada kale ee dalka, wuxuuna gaadhaa Heerkulka 47-53 C xiliyada xagaaga, taas oo looga qaxo magaalada kulaylahaas.

Hadaba waxa keliya ee ay dadweynaha Gobolkan Saaxil cododkoodii iyo taageeradoodiiba ku siiyeen Xukuumadda hadda talada haysa, markii ay si buuxda ugu ballan-qaaday in ay Berbera u samayn doonto koronto jaban oo ay ka gabaadsadaan dhibaatada ay kulaylaha xagaagu ku hayso, taas oo ilaa hadda aanay waxba ka suuro gelin.

Waxaan ugu baaqayaa Xukuumadda dhexe inay dib u eegis ku samayso siyaasadeeda ku wajahan Gobalka xeebta ah ee Saaxil, gaar ahaan Tacriifadda, cashuuraha iyo takaaliifta culayska badan ee ay Wasaaradda Maaliyaddu dulsaartay, waana in guud ahaan la helo siyaasad wax ku ool ah oo Berbera ka dhigta mid dib loogu soo noqdo, suurana gelisa sidii loogu noolaan lahaa magaaladdan.

Maxamud C/laahi Aadan (Bidhiidh) –mudane Golaha Deegaanka Berbera.

Top


“Wakaaladda Biyaha Waxa Xukuma Wiilal Yaryar Oo Baangado Sita, Biyana Nooma Soo Dhacaan”

Odayaal Degmada Gacan Libaax ah Oo Ka Cawday Dhibaato Biyood

Hargeysa, June, 29, 2004 (Haatuf): Koox odayaal iyo wax garad kale isugu jira oo ka tirsan xaafadda gacan-libaax ee magaaladaa Hargeysa ayaa ka hadlay dhibaato dhinaca biyo yaraanta ah oo ay sheegeen inay xaafadooda ka taagan tahay, waxayna odayaashani sidaa ku sheegeen shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen hudheelka Guryasamo PALAZA.

Odayaasha halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Maxamed Shukri Jaamac oo sharax kooban ka bixiyey inta baaxad le’eg tahay dhibaatada biyo yaraantu, laakiin gudoomiyaha guddi odayaal ah oo xaafaddu leedahay Barre Warsame ayaa sheegay inay dhibaato biyo la’aan ahi soo food saartay xaafadda, isaga oo sheegay inay biyo yaraantaasi xaafadda ka taagnayd muddo ilaa saddex sannadood-ba ku simman.

“Cabashadayadu marba heer bay taagnayde waxay soo gaadhay heer aanu qarsab kari-wayno”ayuu yidhi Barre Warsame, laakiin waxa uu sheegay inay dhibaatada biyaha marar dhawr ah kala hadleen maareeyaha wakaaladda biyaha Cumar Boobe, ka dibna uu maareeyuhu odayaashii xaafadda ee u tagey si fiican u soo dhoweeyey, isla markaana uu shaqaalihiisa ku amray inay arintaa wax ka qabtaan, balse Barre Warsame waxa uu sheegay inay dhibaatada wadaan shaqaalaha hoose, isaga oo yidhi “maareeyuhu mar walba waxa uu shaqaalaha ku amri jiray inay cabashadayada wax ka qabtaan, maxayse kuugu taal meeshaba waxa xukuma wiilal yar yar oo baan-gado wata, anaguna garran-mayno si aanu ula xaallo wiilal yar yar oo baangado wata”.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Aw-Cumar Xaashi, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “hadii aanu dadweynaha gacan-libaax nahay waxa keliya ee noo hadhay waa inaanu madaxtooyada isku shubno oo aanu albaabka garaacno”.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay mudane Siciid C/laahi Yaasiin oo ka tirsan golaha guurtida iyo Saleebaan Warran-cadde, waxaana hadaladooda ka mid ahaa “xaafadahayagu hal sanno iyo 3 bilood may arag biyo qasabad ka soo dhacaya”, waxayna ugu dambayn odayaashani dawladda u soo jeediyeen inay wax ka qabato dhibaatada dhinaca biyo la’aanta ee haysata.

Top


Jaamacadda Hargeysa Iyo Hawl-Galka Dib-U Dhiska

Hargeysa, Juun, 29, 2004 (Haatuf): Xaflad loogu talo galay dib-udhis iyo dayactir la doonayo in lagu sameeyo jaamacadda Hargeysa ayaa doraad lagu qabtay hoolka shirarka ee jaamacadda, waxaana halkaa ka hadlay masuuliyiin iyo marti-sharaf kala duwan.

Xafladaas oo ay soo qaban-qaabiyeen guddi haween ah oo qaabilsan horumarinta jaamacadda Hargeysa waxa ka soo qayb galay kulankaa inka badan qof oo isugu jira masuuliyiin iyo dad kala duduwan, iyadoo ay dadka xafladdaa ka qayb galay ka mid ahaayeen wasiiro ka tirsan dawladda Somaliland, qaar ka tirsan madaxda xisbiyada, saraakiil ka tirsan hayadaha samafalka, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda.

Guddiga haweenka ahi waxay sheegeen inay marar dhawr ah dhaqaale u soo ururiyeen jaamacadda, waxayna sheegeen inay waayo-aragnimo badan kala soo kulmeen intii ay ku soo jireen hawshan.

Dadka kulanka ka soo qayb galay waxa markii hore loo diray fariimo martiqaad ah, waxayna haweenka xafladda soo abaabulay sheegeen inay qof walba kaadhkiisa martiqaadka ugu soo qoreen lacagta qaadhaanka ah ee laga doonayo, taas oo ahayd bay yidhaahdeen $10 dolar iyo inuu qofku meesha qaddo ku leeyahay.

Maamulaha jaamacadda Hargeysa Maxamed Faarax ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay munaasibaddaa oo u mahad naqay dadka kala qayb qaata dib udhiska iyo dayactirka jaamacadda. Sidoo kale marwo Aamino X. Maxamud ayaa iyana halkaa ka hadashay, iyadoo ku hadlaysay magaca guddiga haweenka ah ee xafladda soo abaabulay, waxayna dadkii xafladda ka soo qayb galay iyo guud ahaan dadweynaha reer Somaliland ugu baaqday inay ka qayb qaataan dib udhiska dalkooda.

Wasiirka waxbarashada Xasan Gadhweyne ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “markii aan maayarka Berbera ahaa bil kasta boqol doolar ayaan dib udhiska jaamacadda uga qoray minashiibiyada”.

Fanaanka caanka ah Axmed Cali Dararamle ayaa xafladaa ku soo xidhay hees macaan oo ka mid ah heesaha loo qaado munaasibadaha xoriyadda, sida heesihii la qaadayey munaasibaddii 26-kii Juun oo kale.

Top


Ururka NOW Iyo Doodda Horumarinta Haweenka Somaliland

Hargeysa, Juun, 29, 2004 (Haatuf): Masuuliyiinta ururka haweenka NOW ayaa shalay aqoon iswaydaarsi u furay kooxo dumar ah oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa afartaneeyo, kana kala yimi gobolada Somaliland.

Aqoon iswaydaarsigan oo socon doono muddo ilaa 3 maalmood ah waxa lagu gorfayn doonaa mawaadiic la xidhiidha sida loo qorsheeyo mashaariicda dhinaca horumarinta, waxaana xafladdii furitaanka aqoon iswaydaarsigan ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda iyo masuuliyiinta ururka haweenka NOW.

Wasiirka daakhiliga Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii kulankaa ka soo qayb gashay, wuxuuna halkaaa ka jeediyey kooban.
Gudoomiyaha ururka haweenka NOW marwo Kaltuun C/laahi Cilmi ayaa iyana halkaa ka hadashay, waxaana hadaladeeda ka mid ahaa “had iyo jeer waxa uu ururkani isku taxalujiyaa sidii uu kor ugu qaadi lahaa xuquuqda haweenka iyo caruurta, gaar ahaan dhinaca waxbarashada, caafimaadka, siyaasadda iyo xirfadaha”.

Marwo Kaltuun waxay sheegtay in mudada uu socdo lagu gorfayn doono waxyaalo ay ka mid yihiin sidii loo heli lahaa iskaashi iyo qorshe lagaga shaqeeyo horumarinta haweenka iyo sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka hortaagan horumarka haweenka, iyadoo tilmaantay in iyadana loo baahan yahay sidii loo heli lahaa mashaariic dhaxal-gal ah oo lagaga shaqeeyo dhinaca horumarinta haweenka.

Top


Gabagabada Asraartii Ku Xeernayd Xukunkii Kooxdii
Ismaaciil Cali Abokor Iyo Cumar Carte Qaalib

Go’aankii maxkamaddii bad-baadada Muqdisho iyo xukunkii lagu dhawaaqay 7-dii Febarweri, 1988

Dacwaddii lagu oogayey kooxdii saraakiisha iyo siyaasiyiinta ahayd ee ay odayaasha ka ahaayeen Ismaaciil Cali Abokor iyo Cumar Carte Qaalib waxay socotay muddo 7 maalmood ah oo ah intii u dhexaysay 1—7 Febarweri, sidaa darteed 7-dii Febarweri 1988-kii ayey maxkamaddii bad-badaada ee xukuumaddii Siyaad Barre ku dhawaaqday xukunkii kama dambaystaa ee raggaas, waxayna maxkamaddaasi xukunka ay raggaa ku riday u qaybisay dhawr qaybood oo isugu jira, dil toogasho ah, xabsi daa’in, xadhigyo kala duwan iyo qaar ay sii daysay.

9 ka mid ahaa kooxdaa waxa lagu xukumay dil toogasho ah iyo wixii ay hanti leeyihiin oo lala wareego, waxayna sagaalkaa xubnood kala yihiin:

Ismaaciil Cali Abokor
Cumar Carte Qaalib
Axmed Maxamed Hallac
Dr. Cabdi Ismaaciil Yoonis
Eng. Saleebaan Nuux Cali
Cabdilaahi Cabdalla Madar (Hoos-ujeed)
Axmed Cumar Cabdalla (Qawdhan)
Col. C/laahi Jaamac Galaal
Cabdi Ismaaciil Yoonis (Ina-duse)
Sidoo kale 3 ka mid ah waxa lagu xukumay xabsi daa’in, waxay kala yihiin:
Maxamed Cabdi Aadan
Aadan Maxamed Samakaab
Xuseen Ismaaciil Cabdi (Kaarshe)
Sidoo kale C/laahi Jaamac Samatar ayaa isna lagu xukumay 24 sannadood.
Maxamed Saleebaan Yuusuf (Ilkacase) ayaa isna lagu xukumay xabsi ah 5 sannadood iyo 4 bilood. Laakiin waxa la sii daayey dadka kala ah:
Faarax Xuseen Axmed
Jaamac Cismaan Samatar
Maxamed Xasan Ismaaciil (Dalab)
Ismaaciil Xoore Qaloombi
Hase yeeshee maalintaa 7-dii Febarweri 1988-kii waxa kale oo maxkamaddii bad-baadada ee Muqdisho la soo taagay rag kale oo siyaasiyiin ah oo ay dhalashadoodu ahayd reer koonfureed oo muddo xidhnaa, laakiin waa la sii daayey, iyadoo ay maxkamaddaasi ku dacwiday in raggaa la sii daayey ka dib markii lagu waayey waxyaalihii lagu soo eedeeyey. Waxaana raggaa ka mid ahaa:
Cismaan Maxamed Jeelle
Sh. Ciise Aadan Nuur
Maxamed Yuusuf Wayrax
Maxamed Aadan Sheekh
Cumar Xaaji Maxamed (Ina-xaaji Masalle).
Markii ay maxkamaddii bad-baadadu ku dhawaaqday xukunkaa kooxdaa, waxay arintaasi keentay dareen baroor-diiq leh, kaas oo saamay weyn ku yeeshay ra’yul-caamka siyaasaddii dunida, waxaana markiiba ka qayliyey ururo iyo dawladdo badan oo caalamka ah, kuwaas oo xukuumaddii Siyaad Barre ka dalbaday inaanay raggaa layn.

Inta badan kooxaha xuquuqal-insaanka caalamka ayaa qaylo ba’an ka dhigay xukunnada kala duwan ee ay maxkamaddii bad-baadadu ku riday nimankaa, waxaan taliskii Muqdisho cadaadis lagu saaray inaanay fulin xukunka caynkaas ah, taasina waxay keentay inay xukuumaddii Siyaad Barre xammili kariwayday cadaadiskii caalamiga ahaa ee fuulay sidaa darteed waxay sheekadu ku dambaysay in aakhirkii oodda laga qaado dhamaan-ba kooxdaa. Ka dib markii ay sannado badan ka soo biyo-cabbeen god-madow, ayna la kulmeen ciqaab iyo jidh-dil badan, iyadoo ay ragga qaarkood ku xiniinyo beeleen sidii loo jidh-dilayey.

Sida aynu ku soo aragnay qormadii taxanaha ahayd ee aynu kaga soo sheekaynay asraartii ku xeernayd xadhigii kooxdii Ismaaciil iyo Cumar Carte waxa hadalada qareenadii u doodayey dawladda meelo badan kaga jiray qiraal aanu ka qoray hebel, laakiin hadana ninkasta oo ay qareenada dawladdu ku dacwiyeen inay qiraal ka hayaan markii maxkamadda la horkeenay taasi waxay noqotay waxba kama jiraan, mana jirin nin maxkamadda horteeda qiraal ka bixiyey, waxayse raggii dacwadda oogayey maxkamadda horkeeneen qoraalo iyo hadallo ay ka soo qoreen rag ay kelmad ama korronto xiniinyaha kaga qabteen oo ay miyir-doorsoon wax kaga qoreen.

Warar ka soo yeedhay xogo u dhuun-daloolay xadhigii nimankaa ayaa sheegay in ragga ciqaabta ugu xun la markiyey uu ka mid ahaa C/laahi Jaamac Galaal oo markaa lagu tuhmayey inuu xogaha ugu badan hayo, wuxuuna sida ay xogahaasi tibaaxeen C/laahi ka mid ahaa ragga xiniinyaha laga naafeeyey.
Dhamaad 

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE

A. A. Garas

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydin ka dhegeysataan mawjadaha kaftan kuuska iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq-buurka. Saaxiibayaal sanqadhaa aad maqlaysaan waa warkii dunida oo dabada laga jarayo, waxaana didinaya weriye Gaal-muslin.

Warka walbaqdiisii
Shankaroonta ayaa Jarmalka shaxaaday, waxaana la sheegay inuu malyuun yuuruu ku sooryeeyay, kadib markii koox wasiiro reer Shankaroon ahi dhawaan dhanka Yurub u qadhaab dooneen.

Shaxaadkaa waxa shaaca ka qaaday nin wasiir ah, kaas oo yidhi: “Markaanu wadanadan Yurub ku yeedhinay, dalkan Jarmalka ayaa ugu horeeyay oo wax noo dhiibay, wadamada kalena weli way is baadhbaadhayaan, qaar wax noo dhiibaayaa la moodaa.”

Dalka Jarmalka oo ah ninka Yurub laga dilo ayaa laga yaabaa lacagtan inuu ugu talo-galay in Shankaroontu kabo siisato, kadibna aqoonsi ku eryato, walow aan Shankaroontu sheegin halka ku kawirayso, ayaa loo aanaynayaa inay nabadda nacnac u siinayso. Inkastoo dadka qaar ka baqanayaan in wasiiradu suudhadh ka iibsadaan.

Waxa laga yaabaa in haddii dadka Shankaroon sigaar loo siiyo in qofkiiba xabad sigaar ah ay u gaadhayso, waxase la sheegayaa inay kaga nacfidanayso haddii wershad gudhay lagu qodlo’.

Gabad goferment
Shalayto ayaa iyadoon la arkaynin Maraykanku gidaar ku tuuray gobanimadii dalka Ciraaq, kaas oo hoosta uga dhiibay ninka ciyaal-calaawi la yidhaahdo Janaraalkii badhisaabka ka ahaa ayaa lagu soo waramay in isagoo la mooddo in la eryanayo ayuu u egay ciyaal-calaawi oo maqaaxi fadhiya, kolkaasuu ku yidhi: “Coming my cat… kaalay waaryaa iga xawilo xilkii Ciraaq.”

Kadibna si degdeg ah intuu ugu xambaariyay ayuu dhababaco dhegaha nabay ilaa Nayuuyoor. Cabaar kadib ayaa fagaaraha fulayga laysugu yimi oo Ciyaal-calaawi lagu maqaar-saaray waxaan dhaarta ka dhegeystay qaadi shiiciya iyo shuhuud suniya.

Qorshaha qaabkani wuxuu qosol ka dhameeyay madaxdii dunida oo sugaysay saddex cisho kadib ay ka qayb-galaan xaflad loo dhan yahay in Maamulka Ciraaq Maraykanku ku dhiibo, ayaa ballan daro buurtaas le’egi ka soo baxday, kadib markii ninkii waynaa ee Maraykan sidii daroogada u koontarabaaniyay xilkii Ciraaq.

Tabaqtabaqda noocan ah ayaa lagu tilmaamay farsamo fulaynimo ah, kadib markii ina Buush sheekooyin cabsi leh loogu sheekeeyay ee lagu yidhi, Banbaane buurtaas le’eg ayaa laydinla gaadayaa, kadibna wuxuu is yidhi u baneeyoo bahashaba tuur.

Dadka Ciraaq camalkeeda yaqaana ayaa ka baqa-qaba in reer Ciraaq oo feedh iskala dheregto. Amuurtan oo adduunyadii weli ku qoslayso marka laga reebo wadamo ay Iiraan ku jirto oo taageeray in Maraykanku ka cararo Ciraaq.

Qaramada Midoobay iyo qaar kale ayaa aamusan oo meel ay kaga hagaagaan garanla’ waxan derbiga lagu tuuray ee taw laga yidhi.

Ina Buush oo isagu dalka Turkiga ka soo khaawisayay markii Boramar bahasha tuurayay ayaa la sheegayaa inuu dalalka reer Yurbaan taageero ka dhawrtaysanayo si ay u asturaan qarbooshka qorshaha Ciraaq. Waxa kale oo la sheegayaa in Maraykanku soo dhiibi doono kii Sadaam la odhan jiray oo loo dhukuray, kaas oo reer Ciraaq u dhiibi doona si iyaga dhexdoodu isugu dilaa oo dagaal-sokeeye uga istaadhmo.

Gabay
Geeraar aan rubad gooyay
Rifay oo iska daayay
Raamsadoon yaryareeyay
Rinjigiisa la moodo
Kalgacayl la ruquusay
Laysu raaf dawaceeyay
Rusheeyoon yara qooyay
Rafadkuu rafanaayay
Reerba reer ka cantoobtay
Jacayl laysku rukaasay
Raguu laayay la qaaday
Ruumka waadhka la geeyay
Bal maydiin rakibaa?
Raqba waa ku rageede
Runta beentu dulfuushay
Horta maan ka rogoon
Rarkan jaan ka dulqaado.
Suldaanow caqligaaga
Hadaad saaka hadlayso
Sidu maaha sidaa
Sansaankeenu ahaa
Malaa waad salsasheene
Inkastoo sax tihiin
Sidu maaha sidii.
Salaadiintu bayaanno
Iska saydhin lahayd
Saaka maaha markii
Golayaal silsilloon ah
Rag samaysan lahaayee
Subcad raadin darteed
Sardhiyaad kicinlaa
Keligood sanqanlaa.
Suldaanoow waxa weeye
Markay gaadhay siyaasad
Dawlad baa u samaysan
Darbaa saaran dusheeda
Sandheeraa layidhaa
Sayn cadaadyada guurti
Safafkaa golayaasha
Waxa laysku sidkaayay
Saddex loogu marqaayay
Inaan saarka dalkeena
Dadku suuqa dhex jiidin
Nin sariir ku dul fuulin
Ninna siisan garaabo
Ninna siidhi afuufinoo
Sarsarkaa ula yaacinoo
Qofba suuryo dalooshan.
Sandheeroow magacaa be’
Sawtan ay ku sireenee
Salaadiin shiriyeenee
Sallaxdeen shuqulee
Subcad raadinayaan.
Sare-kacoo ragga laa
Badh sabaaxad ku waal
Badh kaare ku saar
Badh Sucuudi u dhoofi
Badhna seeto u doonoo
Xeradooda sintaas iyo
Samadaa uga ood,
Somaliland gidigeed
Ma ninbaa kaaga sandheer.

Top


Xisbiyada Mucaaradka UCID Iyo KULMIYE Oo Maxkamadda
Sare Hor Dhigay Dacwad Ka Dhan Ah Xukuumadda

Hargeysa, Juun, 29, 2004 (Haatuf): Labada xisbi ee mucaaradka ah UCID iyo KULMIYE ayaa shalay maxkamadda dastuuriga ah u gudbiyey dacwad ka dhan ah xukuumadda Somaliland, waxayna dacwadda ay labada xisbi ee mucaaradka ahi ku oogeen xukuumadda ku saabsan tahay xeerka xukunka degdegga ah, iyaga oo sheegay inay xukuumaddu iska indhotirtay laalidda go’aan ka soo baxay golaha wakiilada oo xaaraantinimeeyey ku dhaqanka xeerkaa.

Labada xisbi waxay maxkamadda dastuuriga ah u gud-biyeen qoraal ay wada jir ugu saxeexan yihiin labada gudoomiye ee labada xisbi Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), waxayna ku lifaaqeen qoraalkooda ashkashatada ah ku lifaaqeen go’aankii uu golaha wakiiladu ku laalay ku dhaqanka xeerka xukunka degdegga ah.

Xisbiyada
Qoraalka ashkatada ah ee ay UCID iyo KULMIYE u gudbiyeen maxkamadda dastuuriga ah waxay ku socod siiyeen gudoomiyaha maxkamadda sare, isla markaana ah gudoomiyaha maxkamadda dastuuriga ah, wuxuuna u qornaa sidan:

“Sida la ogyahay golaha wakiilada Somaliland waxay go’aan ku buriyeen ku dhaqanka xeer Lam.21 ee 1963 (Public order law) taariikhdu markay ahayd 1.8.1999, ka dib markii ay golaha wakiilada u cadaatay .
Inaan xeerkaasi waafaqsanayn oo uu ka hor-imanayo dastuurka dalka qoddobadiisa kala ah 40, 41, 42, 44, 45, 59, 124, 125, 126, 127, 128 iyo 155.

Inaanay dalka ka jirin nabadgelya daro gaadhsiisan xaalad xukun degdeg ah.

Inay jiritaanka guddi nabadgelyo meel ka dhac iyo fara gelin ku tahay waajibaadkii iyo madax banaanidii garsoorka.
Hadaba xukuumadda Somaliland waxay si badheedh ah isaga indhotirtay, kuna xad-gudubtay:

Go’aanadii sharciga ahaa ee golaha wakiilada ka soo baxay ee burinayey ku dhaqanka xeerka xukunka degdegga ah (Public order law).
Qoddobada dastuurka ah ee kor ku xusan, cadaynayeyna xuquuqaha iyo xoriyaadka muwaadinka.

Madax banaanidii iyo xilkii waaxda garsoorka
Hadaba iyadoo xukuumaddu ku dhaqantay xeer ay reebban tahay in lagu dhaqmaa oo la tirtiray ayaanay hadana ku jirin meel oo xeerkaasi awood u siinayo inay guddi nabadgelyo riddo xukun ciqaabeed.Sidaa darteed waxaanu maxkamadda shararfta leh ka codsanaynaa:

1- In la joojiyo isticmaalka xeerkaa la tirtiray ee baadilka ah.
2- In la tirtiro guddiga nabadgelyada ee awoodda u leh inay riddo xukun ciqaabeed, iyadoo ay awooddaa iska leedahay waaxda garsoorka sida ku cad dastuurka dalka.

In la sii daayo dhamaan dadweynaha u xidhan xukunka guddiga nabadgelyada.

In looga digo xukuumadda Somaliland inay dib u isticmaasho awooddaa qayral-dastuuriga ah, dhawrtana dastuurka iyo qawaaniinta”.
Dhinaca kalena go’aanka uu golaha wakiilada Somaliland ku laalay ku dhaqanka xeerka xukunka degdegga ah oo soo baxay horaantii bishii Ogost sannadkii 1999-kii, waxa uu nuxurkiisu u qornaa:
Go’aan.

Inay xukuumaddu sida ugu firfircoon uga shaqaysiiso hayadaha sharci fulinta si ay xilalkooda u gutaan.

In xeerka nabadgelyada guud (Public order law) oo ka hor imanaya dastuurka, shareecadda islaamka iyo baaqyada caalamiga ah ee xuquuqda aasaasiga ah uu yahay waxba kama jiraan (Null and Void).
In hadii ay dalka ku timaaddo xaalad khal-khal gelin karta xasiloonida amniga, kalsoonida dhaqaale, IWM uu madaxweynuhu ku talaabsado awoodihiisa ku xusan qoddobka 117aad ee dastuurka, kana ansax-sado labada gole ee baarlamaanka, sida ku qeexan dastuurka, qoddobka 78aad, faqraddiisa 5aad”.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Milan Baros Oo Si Ba’an U Weeraray
Tababarihii Hore Ee Liverpool Gerard Houllier

C/fataax M. Caydiid

Lisbon, June 29, 2004 (W. Wararka) – Xidiga gool-dhalinta ugu sareeya tartanka Koobka Qaramada Yurub (UERO 2004) ee weli ka socda dalka Portugal, Milan Baros ayaa si ba’an u weeraray tababarihii hore ee Naadiga Liverpool ee Gerard Houllier, waxaanu gooldhaliyaha xulka Jamhuuriyadda Czech ku eedeeyay tababaraha Faransiiska u dhashay inuu burburiyay kalsoonidiisii ciyaareed, isagoo Baros sheegay inuu diyaar u ahaa inuu ka tago naadiga Liverpool ka hor intii aanu la wareegin kooxda tababaraha cusub ee Rafael Benitez.

“Houllier waxa uu iga dilay kalsoonidaydii”. Sidaas waxa uu u sheegay Baros bogga internet-ka ee Naadigiisa, isagoo intaa ku daray “Waxaan ku fikiray inay ii wanaagsan tahay inaan iskaga tago Liverpool xaggaagan, balse tababaraha cusub ayaa imika yimi, duruufihiina way isbedeleen,” ayuu yidhi Baros.

Milan Baros, oo isagu shan gool oo uu u dhaliyay xulkiisa Jamhuuriyadda Czech ugu soo gudbiyay wareega semi-finals-ka koobka Qaramada Yurub 2004 oo weli ka socda dalka Portugal, ayaa rajaynaya in fursad uu u helo inuu xirfadiisa ciyaareed iska muujiyo dhinaca naadigiisa Liverpool.

“Ciyaaryahan kastaa wuxuu xilli-ciyaareedka dambe kala bilaabi doonaa tababare Benitez halkiisii hore,” ayuu yidhi Baros, waxaanu raaciyay “Dhammaantayo waxaa nala gudboon inuu wax soo bandhigo ama is muujino. Maadaama uu tegay tababarihii gaboobay, anigu imika waxaan doonayaa inaan sii joogo, qaybna ka ahaado naadiga.”

Milan Baros, waxa kale oo uu ka hadlay sida uu uga soo kabtay burburkii iyo niyad-jabkii uu tababarihii hore ee Liverpool u geystay, isagoo sheegay in markii uu saaxiibadiisa ay xulka kuwada jiraan ku soo biiray uu dib u soo celiyay awoodiisii, dareenkiisii ama mooraalkiisii dhinaca maskaxda, isagoo yidhi: “Waxaa igaga lumay Liverpool awoodaydii ama kartidaydii, waxaanay ahayd keliya markii aan la kulmay saaxiibadayda xulka qaranka in aan miisaankayga khafiifiyo, inaan dib u soo celiyo waxoogay mooraalkii dhinaca maskaxda, iyo sidoo kale waxaan dib u soo celiyay kartidaydii iyo awoodaydii ciyaareed.”

“Waan maqlay dad yidhaahda anigu inaan si gooni ah ugu ciyaaro xulka dalkayga, laakiin taasi runtii waa mid aan waxba ka jirin. Waxaan ugu ciyaaraa si la mid ah sidaan ugu ciyaaro Liverpool. Waxa keliya ee aan rajaynayaa waa inaan anigu u gudbiyo qaabkan xilli-ciyaareedka dambe, waanan hubaa inaan awoodo,” ayuu yidhi Baros.

Baros, oo isagu shan bilood oo keliya soo saftay, 2 gool oo keliyana awooday inuu u dhaliyo xilli-ciyaareedkii oo dhan Naadiga Liverpool, ayaa ku dooday inuu dib u soo qaadayo ciyaarihiisa, isagoo yidhi: “Waxay aniga ii ahayd xilli aad iigu adkaa, balse imika waxaan anigu hubbaa inaan ugu ciyaari karo Liverpool, sida aan halkan imika uga ciyaarayo.”

Ciyaaryahankan 22 jirka ah, ciyaar keliya ayaa uga hadhsan inuu barbareeyo rikoodhkii Michel Platini, kaas oo uu shan ciyaarood oo ciyaaraha Horyaalka Qaramada Yurub oo xidhiidh ah goolal dhaliyay. Halka Baros ilaa iyo imika afartii ciyaarood ee uu xulkiisu ciyaaray tartankan dhaliyay afartii ciyaaroodba goolal, lehna goolasha ugu badan oo ah 5 gool.

Waa kuma Milan Baros?
Taariikhda uu Dhashay: 28/10/1981
Naadiga uu u ciyaaro: Liverpool
Kaalinta uu ka ciyaaro: Gooldhaliye ama weerar
Markii ugu horeeyay ee uu u safto xulka: 25/04/2001, waxaanay la ciyaareen Belgium
Ciyaaryahankan Naadiga Liverpool u ciyaara ee Milan Baros, waxa uu markii ugu horeysay ku soo biiray saaxadda xulalka Qaramada isagoo 19 jir ah. Sidoo kale muu ahayn ciyaaryahan si caadi ah u bilaabay liiga Premiership-ka, awoodiisa iyo muuqaalkiisa ciyaareedba waxay ka dhigeen inuu noqdo ciyaaryahanka ay ugu jecelyihiin taageerayaashu garoonka Anfield ee naadiga Liverpool.

Waxa uu dhaliyay 12 gool xilli-ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee uu si dhammaystiran uga ciyaaro England, balse waxa dib-u-dhac ku sameeyay jabniin ka soo gaadhay kuraanta xilli-ciyaareedkiisii kaas hore ku xigay.

Heerka Caalamiga marka laga eego, Baros qaabkiisa iyo xarfadiisa kubadda ayaa ka dhigay hubka uu u adeegsaday inuu si caadi ah kaalinta uga qaato Jan Koller [Weeraryahanka khadka hore uga ciyaari jiray Czech ee lambar 9aad ilaa imika u qaata, balse badanaa bedel ku soo gala].

Baros, waxa uu ciyaarihiisa ka soo bilaabay Naadiga Banik Ostrava, iyadoo Naadiyo magac waaweyn lihi isku dayeen inay soo iibsadaan, markii ay Liverpool ku soo iibsatay 3.6 milyan oo lacagta Giniga Ingiriisiga ah sannadkii 2001.

“Ostravan Maradona” waa naaneysta weli uu caanka ku yahay Baros, laakiin tartanka EURO 2004 ayaa laga yaabaa inuu ka helo heer darajada ugu sareysa ah.

Ma Ogtahay?
In Naadiga Liverpool ay ku qaadatay 4 bilood inay sugaan Baros inuu ku soo biiro Naadiga Liverpool, sababtuna ay ahayd isagoo aan weli ka soo bixin xilligii lagu qaadanayay Fiisadda Shaqada ee dalkiisa.

Top


Maraykanka Oo Markii U Horaysay Maamulka Ku Wareejiyey Dawladda Ku Meel- Gaadhka Ah Ee Ciraaq
Goorma Ayaa Maamulka Ciraaq
Gacanta Loo Gelin Doonaa Sadaam Xuseen

Baqdaad June 30, 2004 (W.Wararka) Dawladda ku meel gaadhka ah ee Ciraaq ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegtay Maamulkii Maraykanka ee ka talinayey Ciraaq, waxaana qoraal rasmi ah oo xil-wareejintaa la xidhiidha kala gudoomay Ra’iisal-wasaaraha Ciraaq Iyaad Calawi iyo Madaxii maamulkii Maraykanka ee Ciraaq Paul Bremer oo isgu Ciraaq ka ambabaxay inyar kadib xil-wareejintaasi.

Sidaadarteed shalay waxay ahayd maalin taariikh muhiim ah u leh Ciraaq-da cusub oo tusmeneysa dhammaadka haysashadii ciidanka uu Mareykanku hoggaaminayo ay ku haysteen dalka Ciraaq.

Laakiin waddooyinka dalka Ciraaq wax yar ayaa laga yaabaa in ay isbeddelaan. Ciidamada Mareykanka iyo kuwa ay isbahaysiga leeyihiin ee la jooga Ciraaq ayaa weli xuddun u noqon doona dadaallada lagu ilaalinayo nabad sugidda.

Laakiin wareejinta awoodda maamulka ee lagu wareejiyey dowladda ku meel gaadhka ah oo ay Ciraaqiyiintu leeyihiin waa tallaabo muhiim ah.
Arrinka maanta dhacay waxa uu billow u yahay nidaam la de-dejinayo oo Qaramada Midoobey ay oggolaatey oo looga golleeyahay in Ciraaq loogu sameeyo dowlad dimoqraaddi ah oo buuxda dhammaadka sanadka 2005ta, kaasoo ah qorshe aad u hamad badan.

Hadda iyo inta laga gaadhayo wakhtigaas, waxa loo baahan yahay in la qabto laba doorashooyin iyo in la diyaariyo qoraalka qabyada ah ee dastuurka dalkaasi lagu dhaqi doono.

Waa in waddanka Ciraaq laga habeeyo diiwaan-galin cusub dalka oo dhan laga hirgeliyo, si hannaanka doorashooyinku u dhacayaan ay u noqdaan kuwo xaq ah.

Laakiin imtixaanka ugu horeeya ee dowladda ku meel gaadhka ah hor yaal waa arrinka la xidhiidha nabad sugidda. Wax kasta oo ay ka mid yihiin soo noolaynta dhaqaalaha, geeddi socodka cusub ee siyaasadda Ciraaq, kalsoonida ay dadku ku aamini karaan dowladda ku meel gaadhka ah lafteeda waxa ay dhammaan ku xidhan yihiin nabad sugida.

Ra'iisal wasaaraha cusub ee dowladda Ku meel gaadhka ah, Iyad calawi hadallo adag ayuu ku hadlay. Dowladdiisu waxa ay haatan maamushaa askarta Ciraaq iyo ciidamada nabad sugida ah oo si iskaashi leh ula shaqayn doona ciidamada Mareykanka.

Laakiin ciidamada Ciraaqiyiinta si fiican uma hubeysna tababar wanaagsana ma laha.

Waxa la filayaa in maalmaha iyo todobaadyada soo socda ay mucaaradku weerarro badan ku qaaddaan xukuumadda cusub ee Ciraaq si ay u wiiqaan awoodda dowladda ku meel gaadhka ah.

Madaxda gaashaanbuurta NATO ee ku shiraya Istanbul waxa ay isku raaceen in ay Ciraaq siinayaan tababarro, laakiin taas wakhti dheer ayaa inaga xiga inta ay ka midho dhalineyso.

Wareejinta awoodda maamulka ee dalka Ciraaq ee lagu wareejiyey Ciraaqiyiintu billow cusub ayey u tahay Ciraaqiyiinta. Laakiin maalmaha iyo todobaadyada ugu horreeya ee dowladda cusub ay xukunka heyso waxa ay noqon doonaan kuwa dhab ahaantii aan fududeyn.

Dowladda ku meel gaadhka ah waxa ay sheegeysaa in isla maalmo gudahood marka madaxbannaanida iyada loo dhiibo uu Mareykanku Saddam Hussein ku soo wareejin doono dowladda ku meel gaadhka ah.

La taliyaha Ammanka Qaran ee Mareykanka ayaa sheegtey in Mareykanku doonayo inuu Ciraaqiyiinta tuso in kaligii taliyihii hore ee Ciraaq uu haatan ku jiro gacanta Ciraaqiyiinta.

Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka, Colin Powell ayaa sheegey, in inkastoo ay suurtagal tahay in heynta sharciyada ee Saddam lagu wareejiyo Ciraaqiyiinta, haddana waxa ay u dhowdahay in Saddam laf ahaantiisa uu gacanta Mareykanka ku sii jiri doono in muddo ah.

Dhinaca kale askari Maraykan ah ayaa lagu afduubay dalka ciraaq. Fiidiyow ay nimanka askariga afduubey soo bandhigeen waxa ka muuqdey nin indhaha laga xidhey oo gashan dharka askartu u qaadato dhulka lama degaanka ah oo hoos fadhiya seef dheer.

Waxa kale oo nimanka wax afduubey ay soo bandhigeen wax u eg warqadda aqoonsiga ee Miletriga Mareykanka oo ninka la afduubey magaciisa ku sheegey Wassef Ali Yassoun.

Miletriga Mareykanku waxa ay sheegeen in askari Laba Alifle ah oo ka tirsan ciidanka Mariiniska oo asalkiisu ka soo jeedo waddanka Libnaan uu iyaga ka maqanyahay, laakiin may qirin in ninka ka maqani uu yahay qofka ka muudey cajalada Fiidiyowga ee nimanka wax afduubey ay adduunka tuseen.

Sidoo kale nin u dhashey dalka Pakistan oo u shaqeenayey shirkad Mareykana oo joogta Ciraaq iyo seddex nin oo iyaguna u dhashey dalka Turkiga ayaa iyagana loogu hanjabey in qoorta laga gooyn doono.

Af-duubyadani waxay dhacayaan iayadoo xilka lagu wareejiyey Dawladda ku meel-gaadhka ah ee Ciraaq Waxa la filayaa iney mashaakilka yareyso habka ay u shaqeyso Golaha Ammaanka Qaran ee cusub ee Mareykanka iyo Ciraaq ay wada jirka u sameysteen.

Laakiin waxa jira iyaguna caqabado kale oo la xidhiidha go'aan qaadashada oo aan shaqo ku laheyn Mareykanka.

Waxa marka hore jira mashaakillo la xidhiidha awoodda dhaqaalaha...Inkastoo miisaniyadda sanadka soo socda iyo dakhliga Ciraaq uga soo hooyan doona saliidda ay Ciraaqiyiin ansaxin doonaan, intaas kuma eka waxa laga hadlayo oo dhan.

Sida waddan kasta oo ku tiirsan gargaar debada uga yimaadda oo deyn weynna lugaha kula jira, madaxbannaanida maaliyadda ee Ciraaq kama badna wax buug uun ku qoran oo la hadal hayo.
Mashaakilada kale ee Dowladda Ku Meel Gaadhka ah heysta waa kuwa uga imanaya Ciraaqiyiinta laf-ahaantooda.

Madaxda bulshada shiicada ee dalka u badan waxa kaliya ay dooneysaa in dowladda ku meel gaadhka ah ay yeelato awood yar oo ku filan in Ciraaq ay uga gudubto lixda bilood ee soo socota, markaas oo dowlad ku meel gaadhka ah oo muhiim ah ay sameyn doonaan baarlaman la doortey.

Dowladdaas loo sameenayo wakhtiga kala guurka waxa ay yeelan doontaa awood siyaasadeed iyo go'aan qaadasho dhaqaale oo in door ah ka muddo dheer ta hadda joogta.

Top


Dowladda ku meel gaadhka ah ee Iyad Allawi waxa loo arkaa mid lagu meel gadhayo, laakiin waxa ay ku fiicantahay iney ka madax bannaantahay kontorool ajanabi oo aad u muuqda.
Dagaalyahanka Falastiin Oo Qarxiyey
Saldhig Ay Ciidamada Israa’iil Ku Lahaayeen Qasa

Qasa June 30, 2004 (W.Wararka) Ugu yaraan 2 askari oo Ciidanka Israa’iil ka tirsan ayaa ku dhintay ilaa 14 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay dagaalyano reer falastiin ah oo ka tirsan ururka Xamaas ay saaruukh la beegsadeen saldhig ay Ciidamada israa’iil ku lahaayeen Qasa.

Dagaalyahanada Falastiiniyiintu waxa ay markan haleeleen koonfurta Marinka Gaza. Waxana ay beegsadeen jago weyn oo halkaas looga dhisey Miletriga Israa'iiliyiinta si ay u difaacaan qeybta la yidhaa Gush Katif ee deegaanka Yuhuudda.

Warar ka soo baxey Israa'iil ayaa sheegey in Falastiiniyiintu ay dhuun la maro dhulka hoostiisa ka soo jeexeen, iyadoo qasdigu ahaa in aagga ay mileterigu fadhiyaan hoosta laga qarxiyo.

Shaqaale reyid ah oo ka qeyb qaatey gargaarida askartii qaraxaas wax ku noqotey, ayaa sheegey in dhowr askari ay qaraxan ku dhaawacmeen. Miletriga Israa'iil wey diideen iney ka faaloodaan tirada askarta ay wax gaadheen.

Xamaas waxa ay sheegtey in garabkeeda Mileteri uu qaadey weerarkan. Waxa ay Xamaas sheegtey oo kale iney waxyaabaha qarxa ka buuxisey waddada ay ka hoos qodeen aagga ay fadhiyeen ciidamada Israa'iiliyiintu, ka dibna ay sugeen ilaa inta laga gaadhayey wakhtiga ay askartu isbedeleyeen, si ay u hubiyaan in tiro badan oo askar ah ay halkaas joogaan marka ay qaraxa ridayaan.

Koox mitid ah oo kale oo la yidhaa Guutada Mujaahidiinta Al Aqsa ayaa iyaguna sheegtey iney ka qeyb qaateen qaraxaasi.

Isla markii qaraxu dhaceyba, hub culus ayey ciidamada Israa'iil ku soo rideen dhinaca xero qaxooti ah oo Falastiiniyiintu ay aad u degan yihiin.
Wararka aaggas ka imanaya ayaa sheegaya in laba qof oo ilmo yari uu ku jiro ay halkaas ku dhinteen.

Qaraxaas loo geestey saldhiga ciidamada Israa'iil waxa uu dhacey Axaddii, qaraxaas oo dhulka dhigey daar weyn.

Top