Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 665 Aug. 31, 2004

Dublamaasiyiin Reer Britain Oo Ku Soo Fool Leh Hargeysa Iyo
Xukuumadda Israa’iil Oo Kafaala Qaaday Daaweynta Wiil Yar Oo U Dhashay Somaliland

Wasaaradda Waxbarashada Oo Ku Dhawaaqday Natiijada Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka 2003-04 Ee Dugsiyada Dhexe Iyo Sare

Koox Hablo Ah Oo Ka Qalin-Jabiyey Dugsiga Dhaqaalaha Qoyska Ee HAVAYOCO

Hambalyo Gudoomiyaha Cusub Ee Guurtida

Salebaan Nuur Illaahaybaa Inoo Dooray

Taariikh Nololeedkii Iyo
Gabayadii Ismaaciil Mire Cilmi

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Talo Soo Jeedin Ku Socota Xukumadda Iyo Mucaaradka

Qofkii Ugu Weynaa Iyo Kii Ugu Yaraa Ciyaarihii Olombic-ga

Qarax Ka Dhacay Kabul Oo Khasaare Culus Geystay

Suxufiyiin Faransiis Ah Oo Lagu Afduubay Baqdaad


Dublamaasiyiin Reer Britain Oo Ku Soo Fool Leh Hargeysa Iyo
Xukuumadda Israa’iil Oo Kafaala Qaaday Daaweynta Wiil Yar Oo U Dhashay Somaliland

Wasiirka Arrimaha Debadda Ee Britain Oo
Cadeeyey Mawqifka Xukuumaddiisa Ee Kala
Fur-daaminta Somaliland Iyo Somaliya


Adis-Ababa Augost 31, 2004 (Haatuf) – Wasiirul khaarijiyaha dalka Britain Mr Jack Straw ayaa dhowaan daboolka ka qaaday in dawladiisu ay taageersantahay in wada hadal dhexmaro Somaliland iyo xukuumada lagu wado in lagu soo dhiso Imbagaati, sidaa waxa sheegay warar dublamaasiyadeed oo lagu kalsoonyahay, oo laga helay ilo dublamaasiyadeed oo ku sugan Adis-Ababa.

Waxaanay intaa ku dareen in wasiirul khaarijiyaha Britain uu mawqifka dawladiisa ee arintaa ku saabsan ku xaqiijiyey qoraal aan rasmi ahayn oo uu dhowaan u soo diray madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Wasiirku sida la ogyahay waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in hadii ay waxba ka hagaagi waayaan natiijada shirka Imbagaati ee kooxaha Soomaaliya inay xukuumadiisu ka fiirsan doonto sidii ay u aqoonsan lahayd Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa iyaduna hore u cadaysay inay diyaar u tahay wada hadal ay la yeelato dawlada ka dhalata dalka Somaliya ee hore Talyaanigu u guumaysan jiray, balse waxa ay shardi uga dhigtay in loo wada hadlo sidii laba dal oo kala madaxbanaan. Hae yeeshee madaxweynaha JSL ayaa bayaan uu soo saaray dabayaaqadii bishiii July sii adkeeyey shuruuda wada hadalka, isagoo cadeeyey inaanu horfadhiisanayn madaxweyne aan si dimuqraadi ah looga soo dooran mustacmaradii uu guumaysan jiray Talyaanigu ee Somaliya, taas oo dawladaha qaar u arkeen mawqif cusub kii hore ka sii adag oo ay dawlada Somaliland istaagtay. Hogaamiyaha mucaaridka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa isna horaantii bishii aynu soo dhaafnay mawqif adag iska taagay fikrada ah in wada la hadashiiyo Somaliland iyo xukuumada cusub ee loo Somaliya, waxaanu sheegay in xisbigiisu aanu diyaar u ahayn wax wada hadal ah oo dhexmara Somaliland iyo Somaliya, isaga oo sheegay in dawladaha qaar ay khalad ka fahmeen mawqifkii Somaliland sheegi jirtay ee ahaa waxaanu wada hadal la yeelan doonaa xukuumada ay Somaliya.

Waxaana la filayaa in dabayaaqada todobaadkan soo socda ay dalka booqasho ku yimaadaan dublomaasiyiin reer Britain ah oo uu horkacayo safiirka cusub ee dalkaasi u fadhiya Itoobiya, taas oo ka dambaysay markii horaantii sannadkan la bedelay Ambassador Myles Wick stead oo uu mudadii uu Britain safiirka uga ahaa dalka Itoobiya booqashooyin dhowr ah ku yimid Somaliland, isagoo ahaa nin aad ula dhacsan horumarka ay Somaliland ka gaadhay nabada iyo hirgelinta hanaanka dimuqraadiyada ku dhisan axsaabta badan, iyadoo loo tirin jirey inuu ahaan nin dedaal weyn u galay kobcinta xidhiidhka Somaliland iyo Britain.

Dhinaca kale dawlada Israa’iil ayaa kafaala qaaday daaweynta wiil yar oo u dhashay Somaliland oo uu ku dhacay xanuun dhinaca wadnaha ahi, wiilkan yar oo ku sugnaa Adis-Ababa waxa todobaadkii hore loo qaaday Israa’iil, ka dib markii ay safaarada Israa’iil ee Adis-Ababa ay u hawl-gashay sidii loogu soo daaweyn lahaa cusbitaal ku yaala Israa’iil si lacag la’aan ah. Waalidka wiilkaa yar oo uu la xidhiidhay wargeyska Haatuf, isagoo ku sugan Israa’iil ayaa sheegay in qaliinkii lagu sameeyey wiilkaa yari lagu guulaystay, isla markaana wiilkaa yar si naxariisi bini’aadnimino ku dheehan tahay looga soo dhaweeyey Israa’iil, balse wuxu intaa ku daray inuu isagu iska bixiyey Tigidhka, balse kharashka intiisa kale ay kafaalo qaaday dawlada Israa’iil.

Dhinaca kale ilo dublomaasiyadeed oo ku sugun Adis-Ababa ayaa u sheegay safiirka cusub ee Israa’iil u fadhiya Itoobiya u aad u danaynayo xidhiidh dhexmara Somaliland iyo dalkiisa Israa’iil, balse aanu wax jawaab ah oo arintaa ku saabsan aanu ka helin dhinaca xukuumada Somaliland.

Top


Wasaaradda Waxbarashada Oo Ku Dhawaaqday Natiijada Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka 2003-04 Ee Dugsiyada Dhexe Iyo Sare

Hargeysa, 31, 2004 (Haatuf) – Wasaarada Waxbarashada Somaliland ayaa xalay shaaca ka qaaday natiijada imtixaanaadkii dugsiyada sare iyo ku dhexe ee sannadkii 2003 – 04 ee dalka oo uu soo saaray xafiiska imtixaanaadka guud ee JSL. Waxaanay masuuliyiinta waxbarashadu arintan shaaca kaga qaadeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta wasaarada waxbarashada, iyagoo soo saxaafada u gudbiyey tirada guud ee ardayda gudubtay iyo kuwa dhacay, gaar ahaana tobanka arday ee ugu darajada sareeya dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland.

Ugu horeyn waxa halkaa ka hadlay wasiirka waxbarashada ee Somaliland Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadhweyne) oo ka waramay guud ahaanba sida uu u dhacay imtixaanka dalku “waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa natiijada imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare ee Somaliland, dugsiyada dhexe waxa looga wareegayaa dugsiyada sare, kuwa sarena waxa looga wareegaya jaamacada. Marka la isku daro labadaas qaybood waxa u fadhiistay arday gaadhaysa 5032 arday, imtixaankuna wuxuu bilaabmay 12-kii June 2004, kaas oo dalka oo dhan ka dhacay, isagoo ka dhacay 73 dugsi, oo kala ah; 16 dugsiyada sare ah iyo 57 dugsiyada dhexe ah tan iyo mudadaa imtixaanaadka waa laga shaqaynayay, imtixaanaadkana aad baa looga taxadiraa, iyadoo lagu hawlanaa sixistiisa, iyadoo aad looga shaqeeyey. Hadii aan eegno dugsiyada sare waxa imtixaanka u fadhiistay 1290 arday, waxaana gudbiyey 942 arday, tirada dhacdayna waxa weeye 256 arday, waxa aan gelin imtixaankana 92 arday. Dugsiyada dhexe 3742 arday ayaa u fadhiisatay imtixaanka, waxaa guulaystay 3313 arday, tirada dhacdayna waa 335 arday, tirada aan gelina waa 94 arday. Markaa dugsiyada sare waxaa baasay 73%, dugsiyada dhexena waxa baas gareeyey 89%, sidaa daraadeed waxaan bogaadin u soo jeedinayaa inta guulaysatay, inta dhacdayna waa arin iska dhacda, ee waa inaanay halkaa kaga hadhin ee ay sii wataan tacliintooda, waxa kale oo aan hambalyeynayaa waalidiinta, anigoo ku guubaabinaya inay la socdaan ardaydooda, arintana muddo ayaa nalaga sugayey, balse maaha hawl fudud ee waa xil adag” ayuu yidhi wasiirka waxbarashadu.

Ka dibna masuuliyiinta kale ee wasaaradu waxay halkaa ka akhriyeen liiska tobanka arday ee u kala sareeya dugsiyada sare iyo dhexe, iyadoo dugsiyada sare uu ardaygii ugu sareeyey noqday Kayse Maxamed Cabdi Maxamed oo ka tirsanaa dugsiga sare ee Gacan-Libaax ee Hargeysa, dugsiyada Dhexena waxa ugu sareeyey C/salaan Sulub Axmed Cismaan oo ka tirsanaa ardayda dugsiga Arabsiyo ee gobolka Hargeysa.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta wasaarada waxbarashadu 21 arday oo sannadkii hore dhacay ayaa sannadkan gudbay.  

Top


Koox Hablo Ah Oo Ka Qalin-Jabiyey Dugsiga Dhaqaalaha Qoyska Ee HAVAYOCO

Hargeysa, Augost 31, 2004 (Haatuf) – Koox gabdho ah oo ka qalin jebiyey dugsiga dhaqaalaha qoyska ee ururka HAVAYOCO ayaa shalay shahaadooyin lagu gudoonsiiyey xarunta ururkaasi ee Hargeysa. Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin iyo dadweyne aad u farabadan.

Ugu horeyna waxa halkaa ka hadlay Agaasimaha hay’ada HAVAYOCO, Cumar Sh. C/laahi Ciise oo ka waramay waxqabadka hay’adaasi iyo sidii ay wax u barteen hablahaasi, isagoo ku booriyey in waxbarashadooda ay ka faa’iidaystaan oo ay wax ku qabsadaan. Wax iyaduna halkaa ka hadashay Rooda Muxumed Cabdi oo madax ka ahayd fulinta mashruucan, waxaanay ka warantay sidii ay hawshaasi u soo dhacday iyo waxyaabihii ay ku baranayeen hablahaasi mudadii ay waxbarashadu u socotay. ugu dambayntiina wax halkaa shahaadooyinka lagu gudoonsiiyey kooxdaa hablaha ah oo baranayay waxbarashada dhaqaalaha qoyska.

Top


Hambalyo Gudoomiyaha Cusub Ee Guurtida

Aniga oo ku hadlaya Magacayga Maxamed Cabdi Xasan, kana turjumaya Masayrkayga iyo masayrka Ra'ygayga waxaan Hambalyo iyo Iyo Boogaadin aan la koobi karin Hawada u Marinaya Gudoomiyaha cusub ee golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Maxamoud Aadan (Saleeban Muslim) oo maalintii bishu ku beeganayd 24/08/2004 cod aqlabiyad buuxda ah loogu doortay xilkaasi, Waxaan Ilaahay Mujaahidka uga beryaya inuu xilkaa weyn u fududeeyo, Waxaanan Mujaahid Saleebaan Leeyahay Maanta Cadaawad badan ayaa inagu xeeran, waxaa shacabka Somaliland kaa filayaan waa adadayg, xidhiidhin ay cadaalad ku jirto, iyo Sinaan aad u sinaanto dhamaan qaybaha Bulshada ee Somaliland, Hawl karnimo, Daacad iyo Haybad.

Saleeban Maxamoud Aadan (Muslim) Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Guurtida Somaliland.

Waxaan Ilaahay kaaga beryaya Mudane Gudoomiye Saleebaan Inuu ilaahay kuu fududeeyo xilkaa balaadhan ee aad qaranka u qabatay.

Walaalka Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)
Diridhaba2001@Hotmail.Com>
Karachi, Pakistan

Top


Salebaan Nuur Illaahaybaa Inoo Dooray

Ka dib markii uu geeriyooday gudoomiyihii golaha guurtiga Somaliland marxuum Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar oo muddo dheer mayalka u hayay jagada hogaaminta golaha Guurtida ayaa waxay dadweynuhu isweydiinayeen tollow golaha guurtigu may heli mar labaad hogaamintii amaane xafidka iyo run sheega badnayd ee uu marxuum Sh. Ibraahim ku hogaamin jiray. Su’aashaas oo ka dhalatay jagada uu baneeyey marxuumu iyo raggii isu soo sharaxay hanashada kurisgani oo ahaa rag ku kala duwan dhinaca kartida, khibrada ayaa hadana waxay dadku ka midaysnaayeen ninka jagadaa qabanayaa inuu noqdo nin guurtinimo iyo u jajabnaan u leh hogaaminta jagadan, isla markaana aan ahayn shakhsi qalafsan oo macangag ah, balse aan ahayn shakhsi maareeye ah, maxaa yeelay masuuliyada xilkani uma baahna shakhsiyad caadifadaysan.

Haddaba markii ay ka tanaasulen raggii isu soo sharaxay jagada gudoomiyenimada golaha Guurtida ee ay ka mid ahaayeen X. Cabdi Kariin iyo Muxumed aw Axmed ayaa waxa cod aqlaabiyad ah lagu doortay inuu ahaado Saleebaan gudoomiyaha cusub ee golaha Guurtida, doorashada Saleebaan iyo soo gelistiisa xubinimada golaha Guurtida oo ahayd laba maalmood oo is xiga ayaa waxay dadweynaha reer Somaliland ka bixiyeen fekrado kala duwan, kuwaas oo qaarba si u arkeen, qaar soo dhoweeyey oo iyagu qaba inuu Saleebaan yahay nin ku haboon jagadan loo doortay iyo kuwo kala oo iyaguna fekradahooga ku salaynaya doorashada Saleebaan mid wax ka dhiman yihiin, dadka fekradahaa qabaana waxay doodooda gundhig uga dhigayaan Saleebaan waa siyaasi jagadanina kumay haboonayn nin siyaasi ah, balse waxay u haabnayd nin aqoon iyo khibrad balaadhan u leh milgaha dhaqanka iyo guurtinimada, taas darteed dadka ka biya diidan doorashada Saleebaan iyo inta ku qanacsanba. Waxaan odhan lahaa Saleebaan illaahay baa inoo dooray, waxaanan filayaa wixii ka dhinaa Saleebaan inuu kursigu u kordhin doono maadaama uu xil qiimo leh dusha u ritay, waayo milgaha masuuliyadu waxay leedahay hab-dhaqano ay ku farayso iyo waxay kuu diidayso. Sidaa darteed Saleebaan waxaa maanta taariikhdiisa u furmay bog cusub, waxaana lagu qiimayn doonaa hadba fekradaha iyo ficilada uu la kala yimaado. Aniga aragtidayda waxaan qabaa inuu gudoomiye Saleebaan karti iyo awoodba u leeyahay jagada loo doortay, waxaanse leeyahay Saleebaanow xilka laguu doortay waxaa lagaaga fadhiyaa inaad u jajabnaato. Hadal iyo maurti haduu qumanaa iyo haduu qaloocnaaba Saleebaan gaal sabankaa inoo dooray ee hala taageero.

Maxamed Sagax.

Top


Taariikh Nololeedkii Iyo
Gabayadii Ismaaciil Mire Cilmi

Q: 3aad-C/Rizaaq A.adan Ali (Kaneeco)

Gammaankii ka maray dhoodi iyo galaxyadeediiye,
Gumburigii bar baa joogsadiyo goroyo cawshiiye,
Saryankii garbaha weyn lahaa geed ka kici waaye,
Wuxuu gooni daaqii habsaday gubaddadii Hawde,
Garanuugti iyo deeradii gaag yar baa haraye,
Gobay iyo askari geyfan baa goodirkii jaraye,
Guuyadiyo jiiskii hadday kala gol waayeene,
Kama guuxo aar goonlihii geliga toomoode,
Shabeelkii gabraar lagu idlee giiro layn jiraye,
Oo gododka kama soo ciyaan gabannadiisiiye,
Hargihiisa nimankii gataa guuldarraw sidaye,
Gaadiidkii la dhaansanahayiyo giindhaygii maraye,
Ahmigii la gawrici jiriyo gaabay adhigiiye,
Goggii subagga laga buuxin jirey hataan gorofaadye,
Basaas bay timihii uga go'een gaaridii dumare,
Galowgiiiyo fiintii naf bay giida la hayaane,
Gorgorkiyo dhurwaagii laftaad galayax mooddaaye.
Garaad Faaraxiyo Maxamuud Garaad ma leh gammaankiiye,
Cood kama gurxamo dooxadii garada fiicnayde,
Garoowe iyo Bookh bay harraad qaar u go'ayaane,
Gaajiyo rafaad bay qabaan garow la'aaneede,
Ayaxii geyiga joogi jirey guuto lagu saarye,
Gubniyaa hareeraha ka maray gaariyaal wada e,
Geedaha sun baa loogu daray geerinaw badaye,
Wax ma galabsanine maalin baa loo guddoonsadaye,
Adigaaba lagu gaadayaa waadan garanayne,
Guuxiyo cabaadkiyo haddaad gooha damin waydo,
Quruumahakan wada geyfan baa baalka kaa guriye,
Gaagaabso oo aamu yaan gaar lagaa qabane!!!
"Gunburo"
Gabayga hoos ku qoran waxa mariyey Ismaaciil Mire oo ahaa Darwiish, Halgamaa, Gabyaa iyo waliba abbaanduule weyn Gabaygani waa Gabay ka turjumaya Taariikh weyn, wuxuuna ku tusayaa sidii la isugu baaba'ay
labaatankii sano ee uu socday halgankii Daraawiisheed,. Waxa la wariyey Ismaaciil Mire iyo wadaygiis Xaaji Mohamed Cawl inay reer ku soo hoydeen. Qof dumar ah oo reerka joogtay ayaa Ismaaciil maagtay oo waxay ku tidhi,"wiilashaydii adaa laayey, awrtan ku guuri jirey iyo adhigaygiina idinkaa dhacay, wixii guuldarro i gaadhayna idinkaa ii geystay". Ismaaciil ayaa hadalkii islaanta ka xumaaday oo garaysan waayey, maxaa yeelay wuxuu rumaysnaa inuun u qoolmi karin wixii daraawiish iyo dadkii kale kala gaadhay labaatankii sano ay halganka ku jireen Dabadeedna wuxuu yidhi:
Gelin dhexe xalaan Maxamadow geyrtay oo kacaye,
Gam'ina waayey hadalkay i tiri gacallow naagtiiye,
Adigay gabley tiri markaad gaaska wadateene.
Waxay tiri adaa igu gondolay garangartaan iile,
Waxay tiri aday guridhigoo ma lihi gaadiide,
Waxay tiri adaa gelengel tubay garayartaydiiye,
Waxay tiri guyaalkii adaa gaajo ii dilaye,
Waxay tiri gurboodkii adaa geesuhuu dhigaye,
Guhaadeeda aan jirin balaan gabay ka soo qaado.
Gumburo iyo cagaarweyne iyo geedkii Daratoole,
Goobtii Jidbaaliyo Xargaga guuldarradii joogtay,
Gembigii ka dhacay Ruuga iyo gudurigii haagay,
Gabooddeeda Beerdhiga wixii la isku gooraamay,
Maydkii gabraday seerigay Good ku tumanaysay,
Gawarkaad maraysaba laftaad galayaxaa mooddo,
Ogaadeenka gaanka ah wixii geydho laga qaaday,
Iiddoor cayuun godan wixii gelin la waydaarshay,
Shirshooraha gudbani cayr wuxuu gorof la meeraystay,
Garcas iyo Majeerteen wixii guuyo laga dhaarshay,
Gob ninkii ahaan jirey wuxuu gibil madoobaadey,
Giddigiis naflaa'iga wixii gobolba meel aaday,
Dayuuradaha gowliyo wixii samada guuraayey,
Daarihii gelgelintaa noqdiyo gebiyadii ciiray,
Wixii guuldarriyo hoog ka dhacay dunida guudkeeda,
Gembiyo jahaadkii arlada gaday wixii joogay,
Gaaliyo Daraawiish wixii uunka kala gaaray,
Keligey ma wada geysannine la isku geeryooye,
Geyigii rogmaday oo dhan baad guudka ii suriye,
Waxbana hay gurraynine dembaad galabsanaysaaye,
Gartaa maaha naag yahay inaad ii gilgilataaye,
Gashi kaama qabo oo ma layn gabannadaadiiye,
Gambana kaama furan baan u fili gulufyadaydiiye,
Naa gefkiyo beenta daa yadan gelin godadkii naareede.

La soco.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Talo Soo Jeedin Ku Socota Xukumadda Iyo Mucaaradka

Haddi aanu nahay dhalinyarta Somaliland ee kunool Newport iyo nawaaxigeeda waxaanu jeclnahay inaanu aragtidayada ka dhiibano heerka dalka marayo ama sansaanka wayaaha gud iyo jawiiga siyaasada, Somaliland, waxaynu ilaahay ka wada baryaynaa barwaaqo nabadgelyo iyo cafimaad qab waxaa maanta dalkeena jira marxalaado adaag oo ina soo food saaray dadkeena iyo dalkeenaba saamayn weyn ku yeelan doona una baahan in lagaga gudbo wada jir iyo talo qaran oo midaysan lana isga ilowbo is xagxagaashada iyo yooyootan. Marka dhinaca noolsha shacabka reer Somalialnd haddi aanu il kalgacal ku eegno waay adaag tahay maadaama aan xoolaheeni la iibsan abaaro xun xunina ay dalkii ka jiran inshallah waynu ka bixi doona oo maanta oo keliya marxalaaddahani inooguma horayn oo xilliyo iyo abaaro tan kaasi xun iyo weliba calood baa ina soo maray markaas tanaa waynu ka gudbi doona inshallah.

Haddi aanu yar falanqeyno siyaasada Somaliland iyo nidaamkan dimoqraadiyadan curdinka ah ee ina la soo derisday waxaa aad moodaa in xukuumadda iyo asxaabta mucaaridku beryahan danbe ay firadaha ama siyaasada arrimaha dibedda ee SL ay ku kala fogaayeen wana mid qurbejoog SL ee danneeya jiritaanka SL iyo gooni isu taaga SL ay ku jahwareereen sida aynu la wad socono dalka kenya waxaa muddo badan ka socoday shir lagu magaacabo dib heshiinta Soomaaliya shirkaas oo qaaramada midobey iyo (IGAD) ay dabada ka wadaan Mareykan iyo reer galbeedkuna ay taageersan yihiin dhamaantood arrintani wa mid u baahan reer SL inay ka midaysnadan oo mowqif keli ah laga yeesho ayaan darro xukuumaddeena iyo asxaabta mucaaridku arrintan waxaad moodaa inay ku kala qayb saameen taas oo dadka siyaasada SL xiiseya ama indho indheeya ku riday fikrado kala duwan iyo wewer waxaa kaloo jira inay Siyaasiinta reer SL ahi beryahan danbe isku eedeeyan hebel Koonfur iyuu ku socoda iyo kuma socodo anigu, ee hebelba ku socoda wana waxaan loo baahnayn oo meesha aan qaban taaso kale marka ay dhacdo waxaa tiraanyo iyo xanuun inagu reebaysa Mujahidinta SL naftooda uu huuray kuwii ku nafoobay oo aan maanta wax daryeel ah SL ku qabin, marmarka qaar iyaad isweydiinaysa reer SL miyay ilowbeen haglgankii dheera ee aynu ku waynay afartanka innan 40,000 Mujahidin SNM iyo tolow SNM talo meel mawo talay, isku soo wada duub maanta waxaa aynu ognahay rag SL ku dhashay oo beel kasta ah ma magaacooda sheegta oo shirka Nayribo fadhiya anagu waxaanu aaminsanahay raggaas wa sun iyo bog ee Salaadiinta reer SL iyo beelaha ay metelan wa inay raggaas tallabo ka qaadan oo la canbaareeyo oo la yidhaado beeshaas ay sheegteen nimaakaasi ma metelan oo keli ah haddi kale marba beel iyaa la tuhmayaa oo la eedeenayaa.

Dhinaca xukuumadda SL wa inay doorashada baarlamaanka soo dhammaystirto iyo waxyaabaha hortaagan oo xukuumaddu bariga SL wada gaadho lana wada shaqeeyo mucaarid iyo muxaafidba waxaa kaloo aanu aad usoo dhaweynaynaa Talo guddoomiyaha cusub guurtida SL Mud,Saleeban Nuur oo u yidhi bariga SL wa dayacsanyahay waxaa kaloo aanu taageersanahay in shacabka reer Somaliland xukuumaddu sida ugu dhaqasaha badan u oggolaato dalka gudaha iyo dibeddaba ay mudahaaradan oo ku muujiyaan dareerkooda ay kaga soo horjeedan shirka Nayrobi dawladda iyo asxaabta mucaaridkuna dadka ay hor kacan oo gacmaha lays qabsado yoo yootanka laga tanaasuulo.

waxaana halaga qabto sida ugu dhaqsaha badan xukuumadda, xisbiyada mucaaridka, salaadiina iyo golaha guurtidu wa inay xiisad bariga Somaliland soo afjaraan oo boodha la soo xidho arrintaas way inagu galgalatay ee mar kale ah hala dhammaystiro oo cadowga SL aynu ina dhex faa,idaysan walaalayaal Magaaci Mujahidinta SNM ha la ilaasho oo agoomaha daryeelo.

Mr, Cali C/laahi Ismacil Dheeg
Afhayeenka Dhalinyarta
Newport/SouthWales.

Top


Qofkii Ugu Weynaa Iyo Kii Ugu Yaraa Ciyaarihii Olombic-ga

Dadkii ka qaybqaadanaya Ciyaarahii Caalamiga ah *Olymbic Games* ee ka socday dalka Greece ayaa waxa ugu Da'a yaraatay Gabadh yar oo layidhaahdo Zeinab Mohamed Khaireh. Zeinab-yar ayaa ka socta dalka Jabouti oo ay u dhalatay.

Gabadhaa yar oo Dadeedu tahay 13 Sano ayaa ka qaybqaadanaysa Tartanka Orodka 1500 ee Meter. Waxa kale oo ka qaybqaadanayay Tartanka Dabaasha-Quuska wiil yar oo isna layidhaahdo Bryan Nickson oo ka socda Dalka Malaysia wiilkaa dadiisu waa 14 sano.

Dhinaca Waayeelka waxa socday Fardo-fuul Odaya oo layidhaahdo Mr, Jan Millar oo Dadiisuna tahay 57 sano. Ninkaa Odayga ahi waxa uu ka socdaa Dalka Canada oo uu dhashay.....Wax kale oo Barbar taagan Odayga Islaan Shiishyahanad ah oo meel fog wax ka toogata... Dadeeduna waa 57 sano. Islaantaa khatarta ah oo magaceeda layidhaahdo Annette Woodward ayaa ka socta dalka Australia. Duqda Annette waxa ay ka qaybqaadanaysaa Tartanka shiishka* 25 meter Pistol* 

Source...Danish Metro express 
By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist.

Top


Qarax Ka Dhacay Kabul Oo Khasaare Culus Geystay

Kabul Augost 31, 2004 (W.Wararka) Safaaradda Maraykanka iyo ururada kale ee caalamiga ah ee ku sugan caasimadda Kabul, ayaa u sheegay shaqaalahooda in ay yareeyaan dhaqdhaqaaqa badan ee magaalada kadib markii habeenkii Axadda qarax aad u xoog badan uu ka dhacay bannaanka shirkad ammaanka qaabilsan oo Maraykan ah.

Saraakiisha, ayaa sheegay in ugu yaraan todoba qof ay ku dhimatay qaraxa, kuwaasi oo sadex ka mid ah Maraykan ahaayeen, taasoo la rumaysan yahay in uu ka dambeeyay bomb baabuur lagu soo rakibay.

Baadhitaanno ayaa ka socda goobta qaraxu ka dhacay, oo ahayd xafiisyada shirkadda Dyncorp, kuwaasi oo shaqaalahoodu ay tababarayeen booliska Afghanistan.

Kabul, ayaa ku jirta xaalad heegan ah, digniin ku saabsan qorshe bomb baabuur lagu soo rakibay in la adeegsanayo, ayaa la hordhigay xarunta qaramada midoobay afar iyo labaatan saacadood ka hor intii uuna dhicin qaraxa burburiyay xafiisyada shirkadda Maraykanka ee qaabilsan ammaanka.

Safaaradda Maraykanka ayaa u sheegtay muwaadiniinteeda in ay ayna tagin goobaha dowladaha Afghanistan ama hay'adaha caalamiga ah iyo waliba makhaayadaha iyo goobaha kale ee dadka ajnabiga ah lagu yaqaan.

Dhismaha uu qaraxu ka dhacay, ayaa la xidhay, iyadoo baadhayaasha Afghanistan iyo kuwa ajnabiga ah ay isku dayayaan in ay ogaadaan sida kooxda bombka rakibtay ay aadka ugu soo dhawaadeen dhismahan oo la aaminsanaa in ammaankiisu aad u adag yahay.

Afhayeen u hadlay ciidamada nabad ilaalinta ku sugan Kabul ee Nato hogaaminayso, ayaa sheegay in ay dib u eegayaan howlgaladooda magaalada.

La taliyayaasha dhinaca ammaanka, ayaa sheegay in ay filayaan in ay arkaan roondayn heer sareeya ah oo dheeraad ah.

Top


Suxufiyiin Faransiis Ah Oo Lagu Afduubay Baqdaad

Paris Augost 31, 2004 (W.Wararka) Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska, Michel Barnier, ayaa ku baaqay in la sii daayo laba weriye oo lagu haysto gudaha dalka Ciraq.

Isagoo ka hadlayay magaalada Qaahira, ayaa Mr Barnier uu sheegay in uu Bariga dhexe u tagay in uu sharaxo in Faransiisku uu yahay wadan u dulqaata dhamaan diimaha , ilaaliyana xuquuqda aadanaha.

Wuxuu sheegay in saraakiisha dowladda Faransiiska ay tagayaan magaalada Baqdad si ay safaaradda uga caawiyaan in xaaladda xal loo helo.

Kooxda haysata kooxda, ayaa dalbanaya in Faransiiska uu qaado xayiraadda uu ku soo rogay in haweenka muslimiinta ah ay xidhaan xijaabka.

Dowladda Faransiisku waxay sheegtay in ayna ka xaajoonaynin sharciyadeeda, kaasoo lagu wado in uu dhaqangalo maalinta Khamiista. 

Top