Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 767 Jan.25, 2005

Aragtiyaha Kala Duwan Ee Laga Bixiyay Xeerka Doorashada
Wakiillada Somaliland

 

"Saamiga Kuraasta Baarlamaanka
Waa In Lagu Saleeyo 6-da Gobol Iyo
Gabiley” Xubnaha Golaha Degaanka Gabiley

Boqor Cismaan Buur-Madow Iyo Boqor
Axmed Dheere Go’aamo Hordhac Ah Ka Gaadhay Xiisadii Ceel-Afweyn

Dadka Reer Ceerigaabo Oo Kacdoon
Ballaadhan Kala Horyimi Qiimaha
Qaadka Oo Cirka Isku Shareeray

 

Baarlamaanka Waxa Laga Sugayay Inay Si
Geesinimo Leh U Qeexaan Saamiga Kuraasta
Ee Gobollada” Guddida Doorashooyinka

 

“Xaajo Nin Aan Ogeyni, Indhuhuu
Ka Riddaa, Khilaafka Dhexdayaduna
Maaha Arrin U Taal Gudoomiye Ku-Xigeenka”
Maayarka Berbera

"Miisaaniyadda Somaliland Ee 2005
Waxay Tusaale U Tahay Maamul-Xumada Afrika”
Cali Guuleed (Cali Maarshaal), San Jose, CA, USA

Waxa La Eryay Markii Ay Idaacadoodu
Ka Hadashay Kiiska Qareenkii
Faransiiska Ahaa ee Meydkiisa
Laga Helay Duleedka magaalada Djibouti

Caawimada Kooban Ee Ay Carabtu Ugu
Yaboohday Dawladda Mbagathi Iyo
Saluugga C/Laahi Yuusuf

Boqor Raabi Oo 4 Caano-Maal  Ku
Xidhnaa Saldhigga Dhexe Ee Bileyska
Hargeysa

ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Wakiilladu Dantii Guud Ma Waxay Ka
Horeysiiyeen Danahooga Gaarka Ah?

Dawladda Somaliland Waa Inay Wax Ka
Qabato Foolxumada Lagula Kacay Suldaanka Beesha Gabooye

Waxa Naloo Adeegsaday Awoodda Maxkamadda Sare

Somaliland Maxaa Ka Khaldamay, Maxaase Looga Baahan Yahay?

SAAKA IYO ASLI INTERNET

SIXITAAN

 

 

 







 

 


 


Aragtiyaha Kala Duwan Ee Laga
Bixiyay Xeerka Doorashada
Wakiillada Somaliland

“Waa In Kuraasta lagu qaybsado sidii
codka loo kala helay doorashadii Madaxtooyada”
“Waxaan U arkaa in xeerkani ansax ku
yahay Duruufaha maanta dalka ka jira”

Hargeysa, January 23, 2005 (Haatuf) – Xeerka Doorashada ee horaantii Todobaadkan ay ansixiyeen golaha wakiiladu ayaa aragtiyo iyo fikrado kala duwan laga bixiyey, kuwaas oo qaarkood ay taageerayaan qaar kalena ay ka soo horjeedaan.

Waxaana aragtiyahaas iyo fikradahaas kala duwan ka qaba-xeerkan doorashada ee ay ansixiyeen wakiiladu qaybaha kala duwan ee bulshada, taas oo hadal haynta iyo dooda xeerkaasi si weyn loogu falanqeeyey magaalooyinka waawaeyn ee dalka maalmahan-dambe. Dadkaa aragtiyaha iyo fikradaha kala duwan ka qaba xerkaa ayey wariyeyaal ka tirsan Haatuf wax ka weydiiyeen sida ay u arkaan iyo talo ahaan waxa ay ka qabaan xeerka golaha wakiiladu ansixiyey.

Ugu horeyn waxa aragtidiisa wax ka yidhi arintaasi Cali Cabdi Diini (Nac-nac) oo ka mid ah dhalinyarada aad u danaysa arintaasi waxaanu yidhi “Xeerka doorashada golaha wakiilada ee dhowaan ay ansixiyeen Baarlamaanku sida ku cad distoorka qaranka, waxa lagana maarmaan ah in ka hor doorashada la sameeyo tirro-koob iyo diiwaan gelin dhamaan si loo helo (One man one vote) doorashada Baarlamaankuna ay ka dhacdo dalka oo dhan. Taas oo dhaliilay muran dadka dhexdiisa maalmihii u dambeeyey.

Aragtidayadu waxaanu taageersannahay in xeerkanik yahay mid sax ah, loona baahanyahay in doorashadu sidaas ku dhacdo, waana sida qudha ee lagu heli karo doorasho xor ah oo xalaal ah (Free & fair election). Xeerkan oo muddo laba sanno ah laysku mari la’aa markaanu arkhrinay kuma aanan arag wax lidi ku ah distoorka dalka, sidaas darteed wax lagu diido oo sharci ah ma helayo, waxa kaliya ee lagu diidan yahayna waa mudada ka hadhay, taasina waxan u aragnaa eedeedda waxa iska leh dawlada oo dhan. Hadiise doorashadu ka dhici waydo gobolka Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle, waxay arintu noqonaysaa in dadkaasi aanay ka mid ahayn Somaliland, waayo waa doorashadii saddexaad ee aan halkaas ka dhicin, taasina waxay carqalad ku keenaysaa gooni isu-taaga Somaliland iyo xuduudaheeda”.

Waxa iyana arintaasi ka hadashay oo aragtideeda iyo talo ahaanba waxay wax ka odhanayso wax ka tidhi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ahna Haweenka u ololeeya inay baarlamaanka Somaliland ka mid noqdaan, waxayna hadalkeeda ku bilowday sidan “Run ahaantii xeerkan golaha wakiiladu ansixiyey waxa uu u muuqdaa xeer iyagu isugu talo-galeen oo ay doonayaan inay muddo ku sii jidaystaan si ay ugu sii fadhiyaan kuraasida, waayo xeerkan waxay ku soo dareen in la sameeyo tiro-koobid dalka ka dhaca, Taas oo labadii doorasho ee hore ee dalka ka dhacay midna aan wax tiro kooba la samaynin, markaa ma’aan garan waxa ay tiro koobka u soo qadimeen, waxayna u muuqataa mid ay ku sii adkaysanayaan oo cimri dherer ay ka sii dhiganayaan sidii ay u sii fadhiyi lahaayeen kuraasida baarlamaanka, taasina mid laga yeelayo ama laga qaadanayo ma aha, xeerkana xeer shacbiga u cuntamaya ma aha haday cimri dherersi uga dan leeyihiin iyo hadii kaleba, xeerkan iyo kii ka horeeyey ee la celin jirayna wax ay ku kala duwan yihiin ma jirto”.

Marwo Nimco waxay ugu dambayntii taladeeda ku soo jeedisay “Aniga Taladaydu waxa weeye doorashadii ugu dambaysay ee madaxweynenimada sidii codka loo kala helay ee ahaa 42%, 42& iyo 16% in lagu qaybsado kuraasida baarlamaanka, talo kalena waxaan ku soo jeedinayaa nin 13 sanno kursiga fadhiyey oo maaliyaqaan inaanu mar dambe ku soo noqon kursigaa baarlamaanka” ayay Marwo Nimco Xuseen hadalkeeda ku soo gebagabaysay.

Waxa kale oo xeerkan ka hadlay C/raxmaan Cismaan Cabdile (Cabdi-farjar) oo ka tirsanaan jiray golaha wakiilada, isagoo arintaa ka hadlayana wuxu yidhi “Anigu xeerkan waxaan u arkaa inuu xeerka keliya ee maanta iyo duruuftan ansaxa ku ah yahay hadii loogu dhaqaaqo mudadiisa, anigu markaa ka hadli maayo mudadiisa tixna gelin-maayo mudada iyo wakhtigeeda midna, laakiin xeer ahaan iyo dadku maadaama beelnimo isku afgaran waayey oo qorshe kale isku afgaran waayey siday u kala baxaan, kaas weeye ka meeshaa yaalaa, waxaan u arkaa nimankan ansixiyey iyo kuwii soo diyaariyeyba inay dedaal badan u galeen jiritaanka Somaliland, marka la eego, wixii aan kaa ahayna kala saari-maayaan wixii aan doorasho ah ee dalku dhameyna kala saaari-maayaan, weliba qodobka ku jira ee odhanaya wixii doorasho ah ee aan dalku u dhameyn xuduudahiisa oo dhan waxa loo arkayaa khiyaamo qaran, waxaanan u arkaa ka keliya ee badbaadinaya xeerkani Somaliland oo isku midaysan, iskuna dhan”. Waxa kale oo isaguna arintaas ka hadlay xildhibaan hore uga tirsanaan jiray golaha Guurtida Cali X. Cabdi Ducaale (Cali-xuunsho), wuxuuna arintaas ka yidhi “Waxa weeye xeerkani xeer aynu muddo ka sugaynay golaha wakiilada, markaa xeerka hadii xeer ahaan loo eeggo waa xeer wanaagsan oo waxtara, wuxuuna u eg yahay xeerknai xeerarka ay ku dhaqmaan dawladaha loo yaqaan G-8 oo ah dawladaha waaweyn ee horumaray, wakiiladuna waa ku mahadsan yihiin mar hadii xeer uun ka soo baxay, laakiin waxaad moodaa in aanu xeerkani sifeyn in doorashada maanta xeerkani, taana waxaan rajeynayaa in golaha Guurtida iyo madaxweynuhu ay hagaajin doonaan, sideedaba xeerkani wuxuu noqonayaa xeer marka uu golaha Guurtida ka soo baxo ee madaxweynuhu saxeexo iminkase waa process”.

Maxamed Axmed Xirsi (Dhool-dahable) oo arintaas ka hadlay wuxu yidhi “Waxaan xeerkan u arkaa in qoladani (wakiiladu) ku mudo dheeraysanayaan oo waxaan xeerka ay soo ansixiyeen garanayeen oo u badheedhayaan, qodobkaa ay leeyihiin tiro koob hala sameeyo oo xuduudaha ha la gaadho in doorashada lagu xujeynayo oo lagu carqaladeynayo, talo ahaana waxaan leeyahay doorashada yaan carqalad la gelin”.

Waxa kale oo isaguna arintaa ka hadlay Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah qurba jooga Somaliland, wuxuuna yidhi “Xeerkan golaha wakiiladu ansixiyeen waxaan u arkaa mid aad iyo aad carqalad ugu ah maanta Somaliland oo aynaan u baahnayn, maantana waxaynu u baahanahay in aynu doorashadii baarlamaanka qabano oo isdhaafino dhameystirnana dimuqraadiyada, talo ahaana waxaan ku soo jeedinayaa mudadii loogu talo galay in doorashadii lagu qabto, farsamo kastana ha lagu joojiyee waa in la joojiyaa carqalada xambaarsan yahay xeerkani, waana inay isu tagaan saddexda xisbi qaran, golaha Guurtida, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, shacbiguna ay qayb weyn ka qaataan in doorashadu sidii ay ahayd u qabsoonto, xeerkaasina waa carqalad lagu burburinayo Somaliland”.

Top


“Saamiga Kuraasta Baarlamaanka
Waa In Lagu Saleeyo 6-da Gobol Iyo
Gabiley” Xubnaha Golaha Degaanka Gabiley

Gabiley, January 23, 2005 (Haatuf) – “Anigu ma lihi Gabiley ha loo sed-buriyo, waxaanse leeyahay wixii ay xaq u leeyihiin ha la siiyo”. Sidaa waxa doodiisa ku bilaabay Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) oo ka tirsan golaha deegaanka Gabiley, isaga oou waramaya weriyaha Haatuf ee Degmada Gabiley Maxamed Xasan, wuxuuna Ibraahim ka hadlayaa saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka, taas oo ay doodiisu tahay in marka laga hadlayo saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka aan degmada Gabiley la raacin gobolka Hargeysa ee ay yeelato saami madax banaan, iyadoo uu hadalkani qayb ka yahay dareen ay dadka reer Gabiley qabaan, kaas oo ah inay helaan ama yeeshaan kuraas Baarlamaan oo ka madax banaan gobolka Hargeysa, sida la ogyahayna degmada Gabiley waxay ka tirsan gobolka Hargeysa, hase yeeshee reer Gabiley waxay isu arkaan inay degmadoodu ka xajmi weyntahay qaar ka mid ah gobolada Somaliland.

Ibraahim Axmed Xasan isaga oo tafaasiil ka bixinaya aragtidiisa saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka waxa uu yidhi “Wax kasta oo bani-aadamku qabanayaa wuxuu ku fiican yahay inuu xaqiiqda ka dhaqaaqo, dalku maanta wuxuu marayaa marxalad adag oo halisteeda leh, taas oo ah tijaabadii ugu dambaysay ee Somaliland lagu qiimaynayey, sidaa darteed waxa loo baahan yahay in marxaladan lagaga gudbo caqli, daacadnimo iyo feejignaan, si looga hortago halisaha inagu iman kara. Aniga aragtidayda waxay iila muuqata inay meel ka dhac ku tahay degmada Gabiley in maanta la yidhaahdo waxay ka mid tahay gobolka Hargeysa, saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka dalka, laakiin waxa jirtey xuquuq ay degmadani hore u lahayd, cid maanta dib uga qaadaysaana ma jirto, guud ahaan degmada Gabiley marka laga hadlayo baaxada dhulkeeda, tirada dadkeeda, awoodeeda dhaqaale, istiraatiijiyada qaaliga ah ee ay dalka ugu fadhido iyo heerka derejo ee ay tahay waa degmada keliya ee loo aqoonsaday derejada A oo ay kala mid tahay shanta magaalo madax ee gobolada, caasimada mooyaane, iyada oo lagu qiimeeyey doorashadii golayaasha deegaanka oo laga soo doortey golaha 21 xubnood oo golaha deegaanka ah, waxaana hore si dastuuri ah loogu ansixiyey inuu dalku ka kooban yahay lixda gobol iyo Gabiley, taana lagu jaan gooyey saami dalka, lana dhaqan geliyey, iyadoo ay tirada dadka ku dhaqan degmada Gabiley ka badan yihiin qaar ka mid ah gobolada dalka, taasna waxa daliil cad u ah tiradii dadkii u codeeyey doorashadii madaxtooyada oo ahaa 43056 cod, taas oo weliba sanaaduuqdii laga soo celiyey goobo badan oo lagu yareeyey sanaaduuqdii iyo waraaqihii codbixinta, taasina ay sababtay inaanay boqolaal qof oo reer Gabiley ahi fursad u helin inay codeeyaan, waxayna doorashadii u dambaysay ee madaxtooyada degmada Gabiley ka cod badatay ilaa saddex gobol, waayo waxa ka codad badnaa Hargeysa, Awdal iyo Togdheer. Tusaale ahaan kuraasta guddiga doorashooyinka waxa lagu jaan-gooyey lixda gobol iyo Gabiley, taas oo todobada xubnood ee guddiga doorashooyinka lagu jaan-gooyey toddoba magaalo madax gobol oo ay Gabiley ka mid tahay, sidaa darteed ma jirto sabab indhaha looga qarsado Gabiley, waxaanuna golayaasha qaranka iyo saddexda xisbi u soo jeedinaynaa inay arrintaa fiiro gaar ah u yeeshaan, si deg deg ahna wax uga qabtaan, Gabileyna ma yeelayso in gobol lagu xawilo ee waxay u baahan tahay in la siiyo quruska ay leedahay”.

Aragtida caynkan ah waxa qaba dhamaan xubnaha golaha deegaanka iyo guud ahaan dadweynaha reer Gabiley, taas oo ay doodoodu tahay si kasta ha ku yimaadeen’e waa in saami qaybsiga kuraasta baarlamaanka lagu saleeyo lixda gobol iyo Gabiley ee aan lagu salayn lix gobol oo la leeyahay Gabiley waxay ka mid tahay gobolka Hargeysa, waxayna xubnaha golaha deegaanka Gabiley arrintan kaga doodeen fadhigoodii u dambeeyey ee dabayaaqadii toddobaadkii ina dhaafay.

Muxumed Geelle iyo Maxamed Ciise oo labaduba ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ayaa weriyaha Haatuf u xaqiijiyey inay fadhigoodii u dambeeyey kaga doodeen saamiga ay degmada Gabiley ku yeelanayso kuraasta baarlamaanka Somaliland, iyadoo ay dadweynaha reer Gabiley maalmihii u dambeeyey aad u hadal hayeen mawduucan, waxayna leeyihiin haddii aan Gabiley loo aqoonsan inay tahay meel ka madax banaan Gobolka Hargeysa, inay qaadici doonaan doorashada baarlamaanka, sidaa darteed waxay leeyihiin waa in la caddeeyo inaanay Gabiley ahayn meel hoos timaada gobolka Hargeysa.
 

Top


Boqor Cismaan Buur-Madow Iyo Boqor
Axmed Dheere Go’aamo Hordhac Ah Ka
Gaadhay Xiisadii Ceel-Afweyn

Ceel-afweyne, January, 23, 2005 (Haatuf) – Labada boqor ee kala ah, Boqor Cismaan Aw-Maxamud (Buurmadow) iyo Boqor Axmed Cali Ducaale oo ka mid ah madax-dhaqameedka reer Sanaag ayaa go’aamo ka soo saaray iska hor-imaadyo iyo dilal dhowaan ka dhacay jiidaha degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxayna labada boqor kala saxeexdeen qoddobo dhawr ah oo hordhac u ah sidii xal nabadeed loogu soo afjari lahaa xiisaddii colaadeed ee halkaa ka aloosantay, taas oo ay iskaga horyimaadeen laba beelood ee reer Ceerigaabo ahi.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag, C/rashiid Xasan Cabsiiye oo socdaal shaqo oo ilaa laba maalmood qaatay toddobaadkii hore dabayaaqadiisii ku tegay degaanka Ceel-afweyn ayaa ku soo waramay inay labadan boqor kala saxeexdeen qoddobo nabadeed oo ay ka mid yihiin:

In dhamaan eedaysanayaashii dagaalkii ka dhacay degaanka Adimo-Ceeryaamo ee ay iskaga horyimaadeen labada jilib ee Maxamud Xaamud iyo Baho ay beel waliba u keento boqorkeeda ugu dambayn 1/2/2005.

In dhamaan eedaysanayaashii ka qayb galay dilkii labadii nin ee ku dhintay Hayeesa ay beeshu ku soo wareejiso boqorkeeda ugu dambayn 1/2/2005.
In go’aamada kama dambaysta ah ee kala xukunka beelaha ay leeyihiin labada boqor sidii hore loogu igmaday.

In maamulka dawladdu kaalin buuxda ka qaato la shaqaynta boqorrada iyo hirgelinta nabadgelyada, talaabo sharci ahna ka qaado ciddii fulin wayda go’aamada markii loo baahdo.

Go’aamada ay labada boqor gaadheen waxa soo dhoweeyey duqayda iyo wax garadka labada dhinac ee ay xiisadda colaadeed dhexmartay, isla markaana waxa uu wax weyn ku soo kordhiyey xasiloonida degaamada ay wada degaan labada beelood ee uu iska hor-imaadku dhexmaray miyi iyo magaaloba, iyadoo ay labadan beelood wada degaan ilaa magaalada Ceerigaabo.
Jawiga nabadgelyo iyo xasiloonida Ceel-afweyn iyo degaamada ku xeerran oo ay si weyn u saamaysay iska hor-imaadkii dhexmaray labada dhinac oo ay ilaa saddex nin ku dhinteen ayaa dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ka soo reeyey, waxaana muuqata dabayl dhinaca nabadgelyada u dhacaysa.

Dhinaca kalena waxa magaalada Ceel-afweyn gaadhay ergo ka socota golaha guurtida Somaliland oo ay ujeedada socdaalkoodu tahay sidii ay uga hawl-geli lahaayeen damminta xiisadda halkaa ka aloosantay iyo sidii xal loogu heli lahaa dilalkii dhacay, waxayna weftiga guurtidu ka kooban yihiin ilaa 7 xubnood.

Top


Dadka Reer Ceerigaabo Oo Kacdoon
Ballaadhan Kala Horyimi Qiimaha
Qaadka Oo Cirka Isku Shareeray

Ceerigaabo, January, 23, 2005 (Haatuf) – Ugu yaraan ilaa saddex qof ayey dhaawacyo kala duwani soo gaadheen, ka dib markii ay kooxo dadweynaha reer Ceerigaabo ahi mudaharaad markii dambe isu bedelay dhagax-tuur kala horyimaadeen iibka qaadka 571 oo qiimihiisu cirka isku shareeray.

Kooxo dadweyne ah oo ay tiradoodu gaadhayso boqolaal qof ayaa iyaga oo mudaharaadsan isugu soo baxay barxadda iyo agagaarka maqsinka qaadka shirkadda 571, laakiin mudaharaadkaasi waxa uu markii dambe isu bedelay dhagax-tuur, wuxuuna ku baahay magaalada Ceerigaabo, taasina waxay keentay ugu yaraan saddex inay dhaawacyo soo gaadhaan.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag C/rashiid Xasan Cabsiiye waxa uu mudaharaadkani soconayey muddo gaadhaysa ugu yaraan ilaa lix saacadood, wuxuuna markii u horaysay bilaabmay abaara 10:00 subaxnimo, xiligaas oo ku beegnaa markii ay magaalada soo caga-dhigatay diyaaradda qaadka ka keenta dalka Itoobiya, gaar ahaan magaalada Dirir-dhawe, waxaana kacdoonka dadweyne ee lagala horyimi sababay ka dib markii uu qiimaha qaadka lagu iibiyaa ilaa laba goor kor loo qaaday saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyey, taas oo uu qiimaha Mijinta qaadka ahi gaadhay 45000 Sh. So (lacagta giinbaarta), oo u dhiganta $3.3 dolar, halka markii hore Mijinta qaadka ah la siin jiray 35000 Sh. So oo u dhiganta $2.3 Dolar.

“Mudaharaadkani waxa uu ka kacay qiimaha qaadka oo si xad-dhaaf ah loo qaali gareeyey, arintaasna markii ay dadku kacdoon ka sameeyeen waxaanu xidhnay labadii nin ee qaadka madaxda u ahaa, dabadeedna waxay yidhaahdeen waanu jebinaynaa, guddiga nabadgelyada degmada ayaana go’aan ka soo saaray qiimaha qaadka in la siiyo 30.000/Sh. So, ka dibna sidaas ayey arintu ku degtay, laakiin markii la sii daayey labadii nin qaadka madaxda u ahaa ayey qiimihii ka dhigeen 35.000 Sh. So, taasina markaas ayey kacdoon labaad keentay, ugu dambayntiina waxa uu go’aan noqday in lagu iibiyo qaadka 30.000/Sh. So. Waxa kale oo aanu xidh-xidhnay tobbaneeyo dhalinyaro ah oo mudaharaadka ku jiray, laakiin ka bad-badiyey”, sidaa waxa yidhi taliyaha qaybta bilayska gobolka Sanaag, Maxamed Axmed Cabdalle oo weriyaha Haatuf uga waramay sida uu mudaharaadkaasi u dhacay.

“Anigu waan qaatay amarka dawladda, sixirkii qaadkana waxaan ku faasaxay 30.000 Sh. So, kor u qaadista qiimaha qaadkana waxa sababay tirada qaadka noo yimaadda oo soo yaraanayey maalinba maalinta ka dambaysa”, sidaana waxa yidhi wakiilka qaadka 571 ee Ceerigaabo, Maxamud Cige Dhoobay (Dhuu). Laakiin inkasta oo uu wakiilka qaadku sheegay in go’aanka ay guddiga nabadgelyadu sicirka qaadka ugu gooyeen inuu yahay mid shaqaynaya maalintii shalay oo keliya, hadana gelinkii dambe ee shalay baabuur cod-baahiye saaran yahay ayaa dhex-maray suuqyada magaalada, waxaana lagu wargeliyey dadweynaha reer Ceerigaabo in qiimaha mijinta qaadka ah maalin walba lagu iibinayaa uu yahay 30.000/Shillin Somali, halkaana aanu dhaafi karin qiimaha qaadku sababo nabadgelyo dartood.
 

Top


Baarlamaanka Waxa Laga Sugayay Inay Si
Geesinimo Leh U Qeexaan Saamiga Kuraasta
Ee Gobollada” Guddida Doorashooyinka 
 

Hargeysa, Jan 23, 2005 (Haatuf) – Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedaha ay u jeediyeen mudanayaasha golaha wakiiladu ee ku saabsanaa dareenka ka dhashay xeerka Doorashada ee ay golaha wakiiladu dabayaaqadii todobaadkan duuduubka ku ansixiyeen, kaas oo ay golaha wakiiladu ku sheegeen inuu yahay kii laga sugayay, balse ay dhaliisha arrinta doorashada dusha ka saareen xukuumada iyo gudida doorashooyinku. Laakiin gudida doorashooyinka oo here u sheegay inaan xeerka ay goluhu ansixiyeen ahayn mid lagu qaban karo doorasho ayaa qoraal ay shalay soo saareen kaga hadlay eedaha ay wakiiladu u jeediyeen komishanka, wuxuuna qoraalka ay soo saareen gudida doorashooyinku isagoo dhamaystiran u qornaa sidan;

“udoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee golaha wakiiladu, wuxuu jariidada Haatuf ee soo baxday maalintii jimcaha 21/1/05, ku qoray inaysan komishanku samaynin daraasad ku saabsan sidii dalka loogu samayn lahaa goobo doorasho oo ay ku tartami karaan murashaxiini, sida waafaqsan xeerka doorashada No. 20/2001, taas oo ah eed aan waxba ka jirin oo aan ku dhisnayn aqoon iyo xog-ogaalnimo toonna, waxaana la yaab ah in xildhibaan xeer dejiye ahi uusan waxba kala socon, kana war-qabin goobaha doorasho ee hore xeerka kor ku sheegani jideeyey.

Mudanahu wuxuu moogan yahay in labdii doorasho ee la hirgeliyeyba ay jireen goobo doorasho ee lagu dhaqmay, looguna tartamay kuraasidii golayaasha degaannada iyo tii madaxtooyada, waxayna tiro ahaan dhamaayeen 23 goobo doorasho iyo 902 goob codbixineed oo loo maamulay labadii doorasho sida tan:

Goobaha doorasho ee gobolka Hargeysa:
1. Hal goob doorasho Hargeysa oo lahayd 159 goobo cod-bixineed.
2. Hal goob doorasho Gebiley oo lahayd 60 goobo codbixineed.
3. Hal goob doorasho Bali-gubadle oo lahayd 20 goobo codbixineed.
4. Hal goob doorasho Salaxley oo lahady 19 goobo codbixineed.
Goobaha Doorasho ee gobolka Awdal:
1. Hal goob doorasho Boorama oo lahayd 59 goobo codbixineed.
2. Hal goob doorasho Baki oo lahayd 33 codbixineed.
3. Hal goob doorasho Lughaya oo lahayd 22 codbixineed.]
4. Hal goobo doorasho Saylac oo lahayd 20 goobo codbixineed.
Goobaha Doorasho ee gobolka Saaxil:
1. Hal goob doorasho Berbera oo lahayd 50 goobo codbixineed.
2. Hal goob doorasho Sheekh oo lahayd 23 goobo codbixineed.
Goobaha Doorasho ee gobolka Togdheer:
1. Hal goob doorasho Burco oo lahayd 115 goobo codbixineed.
2. Hal goob doorasho Oodweyne oo lahayd 37 goobo codbixineed.
3. Hal goob doorasho Buuhoodle oo lahayd 22 goobo codbixineed.
Goobaha Doorasho ee gobolka Sool:
1. Hal goob doorasho Laas-caanood oo lahayd 57 goobo codbixineed.
2. Hal goob doorasho Caynabo oo lahayd 29 goobo codbixineed.
3. Hal goob doorasho Taleex oo lahayd 17 goobo codbixineed.
4. Hal goob doorasho Xuddun oo lahayd 10 goobo codbixineed.
Goobaha doorasho ee gobolka Sanaag:
1. Hal goob doorasho Ceerigaabo oo lahayd 57 goobo codbixineed.]
2. Hal goob doorasho Badhan oo lahayd 16 goobo codbixineed.
3. Hal goob doorasho Ceel-Afweyn oo lahayd 34 goobo codbixineed.
4. Hal goob doorasho Gar-adag oo lahayd 17 goobo codbixineed.
5. Hal goob doorasho Laas-qorey oo lahayd 10 goobo codbixineed.
6. Hal goob doorasho Dhahar oo lahayd 16 goobo codbixineed.
Maadaama goobaha doorashada dalka uusan wax muran ahi ka jirin, wuxuu komishanku ka sugayey baarlamaanka inay xeerka cusub si geesinimo ah u waajahaan, kuna soo qeexaan siday kuraasida ugu kala qaybiyeen gobollada dalka, taas oo ah waajibka xileed ee golaha wakiiladu leeyahay, loogana baahnaa in waqti hore soo bandhigaan ee aysan la sugin tan iyo inta mudada dhamaadka golaha baarlamaanku, kuurka soo galayso, waana xujo iyo carqalad in waqtigan qiir-qiirka ah si duuduub ah loo soo maguujiyey.

Ta kowaad ee Diwaangelinta; Hadaanu annagoo garsoor ku magacaaban la colowno caddaalada yaa saaxiib u noqonaya.

Sababta labaad ee aad saluugayaga ku sababaysay korodhsiimada xubnaha komishanka, dalab anaga nagama iman diidmana xaq uma lihin, hadii la gaadhsiiyo one dozen (12) waxa loogu talogalayaa gunno gaar ah, waxna looga jari maayo xoogaaga aan qaadano, hase ahaatee hab dhaqanka dimoqraadiyada ayaan (democratic ethics) ayaan xilliyada qaar saamixi karin in la taabto meelaha xaasaasiga ah ee faro-gelinteeda loo dhadhasan karo sad-bursi raadin hagoog la saarayo.
Ta Sadexaad; meelaha xaaladda gaar ahi ka jirto waa arrin caalami ah oo aan Somaliland ku koobnayn, waxayna ka jirta dalalka hormoodka ka ah qaaradda Asia iyo Afriaca, hase ahaatee weedha ku soo baxday xeerka doorasho (ee khiyaamo qaran lagu nisbeeyey) ka dambaa sheegi taariikhdaana ka marag kici doonta, cidda weedhaasi ku dabaqmi doonto.

Komishanku olole uguma jiro in doorasho qabsoonto iyo inaanay qabsoomin toona, hase yeeshee wuxuu komishanku cadeeyey inaanay xeerka aad soo saarteen ku hirgelin karin doorashadii madaxweynuhu u cayimay inay qabsoonto 29 March 2005, siduu hada yahay, wuxuuna ula siman yahay in doorasho qabsoonto hay’adaha kale ee doorashadu khusayso. Somaalidu waxay tidhaa “nin casarkii is-sheegay, cishihii ceebi ma qabato”.”. 

Top


“Xaajo Nin Aan Ogeyni, Indhuhuu
Ka Riddaa, Khilaafka Dhexdayaduna
Maaha Arrin U Taal Gudoomiye Ku-Xigeenka”
Maayarka Berbera

 
Hargeysa, January 23, 2005 (Haatuf) – Maayarka Berbera Cabdi Jaamac Ducaale (Musbaar) ayaa ku eedeeyey fara-gelin iyo isku dir uu iska horkeenayo xildhibaanada golaha degaanka Berbera inuu ka dhex-wado Badhasaab ku xigeenka gobolka Saaxil C/raxmaan Yuusuf Badheedha, sidaana wuxuu ku sheegay shir jaraa’id oo shalay uu ku qabtay Maansoor Hotel, kaas oo uu kaga jawaabayo Cabdi Musbaar eedaymo iyo dhaliilo uu u soo jeediyey badhasaab ku xigeenku, oo ku soo baxay wargeyska dawliga ah ee Maandeeq cadadkii shalay (Sabtidii), waxaanu maayarku isagoo eedaymahaas ka jawaabaya yidhi:

“Waxa aan tixraacayaa maqaalka uu qoray gudoomiye ku xigeenka gobolka Saaxil oo u muuqata xaajo nin aan ogeyni indhuhuu ka ridaa. Waxa la yaab leh isagoo gudoomiye kixeenka loo magacaabay xilka uu hayo oo ka mid ah maamulka gobolka, hadana aan haba yaraatee joogin gobolka, isagoo aan inta badan joogin goobtiisa shaqo afar bilood ka soo maqan ka waramaya ama wax ka sheegaaya maamul aanu kaba war-hayn, marka uu yimaadana waxa uu la yimaadaa inuu la murmo gudoomiyihiisa oo uu ku haysto dhaqaalaha yar ee loo qoondeeyey maamulka gobolka.

Waxa aan haddaba odhan lahaa marka uu xilkiisa shaqo isagu guto oo uu gobolka wax ku biiriyo ayuu kuwa kalena ka hadli karaa, xilkuna ma aha mid wax lagu dilaalo, ama cid kale kugu guurto ee ku ekow shaqada laguu xilsaaray, hana u ekaan xaalad abuur ku dheeraad ah gobolka, golaha uu sheegayana waa golihii anigaba isoo doortay, waxii khilaaf dhexdayada yaalana mid isagu u yaala maaha, meeshii shaqo taalana muran waa yaala, waxaanan kuu sheegayaa wax aad ku urinayso meesha ma yaaliin”.

Intaas ka dib waxay weriyayaashu maayarka weydiiyeen su’aalo oo u dhacay sidan:

S: Ma jiraa khilaaf u dhexeeya adiga iyo golaha degaanka?

J: Run ahaantii khilaaf noo dhexeeyaa ma jiro aniga iyo golaha degaanka, waxa jirana khilaaf lama odhan karo, laakiin had iyo jeeraale dhaliilaha gobollada dalka oo dhan haysta ayey ka mid tahay, waayo-aragnimo la’aanta jirta oo dadka ay ku cusub tahay maamuladan degaanadu, dabadeedna maadaama oo aan waaya-aragnimo loo lahayn maamuladii degaanada, shuruucdii loo dhigayna aan lagu soconayn in had iyo goor u qaataan awoodu waxay tahay inaan la kala sareyn, laakiin shuruucdu way qeexan tahay oo golaha degaankuna waajibaad buu leeyahay, gudiga fulintuna waajibaad buu leeyahay oo maayarku ka mid yahay mar had iyo goor mid anaga noo gaara ma’aha ee waa mid gobolada oo dhan ka taagan oo lagu murmo badanaa maamulka jiray ee golaha.

S: Badhasaab ku xigeenku wuxuu aad kugu eedaynayaa in aad awoodi dhexda ku duubatay keligaa, taa maxaa ka jira?

J: Arintu way kala leedahay oo golaha degaanku ma wada laha, maamulka cida iska leh waxa weeyaan guddiga fulinta oo ay ka mid yihiin xoghayaha dawlada hoose, ku xigeenka maayarka iyo maayarka, wixii fulin ah iyagaa iska leh, markaa wax khilaaf ah oo halkaa ka iman karaa sharciyan ma’aha in xafiis la wada tago, sharciyana hawlihii xafiiska golihii degaanka oo dhami ma wada laha mana wada qabtaan iyagu.

S: Mudadii aad xilka haysay maxaa la odhan karaa waad qabatay adigu?

J: Xaqiiqdii waxa weeyaan ninkii ama qof walba oo Berbera tegay wuu arki karaa, mashaariicda aanu qabanay warbaahinta waanu ka sii daynay hadaan soo koobo waxyaabihii aanu qabanay intii aan joogay waad la socotaan ama waad aragteen in aanu ka shaqaynay magaalada jidadkeedii oo dhan kana dhignay jidad wada saafiya, jidadkaa oo isugu jiray kuwo aanu dacaytir ku samaynay iyo kuwo aanu samaynayba, jidadkaas oo dhana aanu dhagax labada dhinac kaga soo wareejinay sida wadooyinka caalamka oo isaguna (dhagaxu) dhisme weyn oo balaahdan noqonaya, marka wadooyinka magaalada oo dhan lagu soo wareejiyo kaas oo qaadanaya sibidh, wastaad iyo hawlo badanba, taasina noo hirgasho in aanu ku guulaysano wadooyinka magaalada oo dhan inaanu ku soo wareejino ilaa lix wadana waanu samaynay sannadkii iminka dhamaaday, waana la isticmaalaa wakhtigan, waxa kale oo aanu qabanay ilaa 8-deed baabuur iyo laba mashiin oo magaalada buufiya ahna kuwa loogu talo galay in magaalooyinka lagu buufiyo, waxaana sideedaa baabuur ka mid ah iska-ragooyinka qashinka loogu talo galay oo dhowr ah, booyadaha bulaacadaha soo nuuga ee lagu qaado bulaacadaha iyo wixii saxaro ah, labadaa mashiin ee waaweyn labadii todobaadba mar baa lagu buufiyaa magaalada si loogu dabar gooyo duqsigii magaaladu caanka ku ahayd xilliga xagaaga maantana duqsigii ma jiro faraha badnaa oo 14-kii cishaba mar baa lagu buufiyaa. Intaas sannadkii dhamaaday baanu qabanay, sannadkan kowdii bishan waxaanu bilaabay oo dardar cusub ku bilownay laami intuu magaalada dhexdeeda ka tago ilaa iyo Batalaale ku taga oo qiyaastiisuna tahay 3½ km, oo imika dhow dhowyahay caro tuulkiisii, wadadaas oo ah wado aad u muhiim ah, waad ogtihiin oo qofka had iyo goor Berbera doonayaa wuxuu maanka ku hayaa inuu Batalaale iyo xeebta tago, waana waxa keliya ee maanta naga iibsamaya magaalada ee aanu suuq la tegi karnaa uu yahay inaanu dalxiiska xeebtaas lagu soo talo gelaayo aanu bilicdiisa ka shaqayno, taas oo imikana hotelo Waaweyn laga furaayo, kuwaas oo soo jiidanaya dadweynaha dalxiiska ku imanaya ama ajaanib ha noqdaan ama muwaadiniin ha noqdaane.

Top


"Miisaaniyadda Somaliland Ee 2005
Waxay Tusaale U Tahay Maamul-Xumada Afrika”
Cali Guuleed (Cali Maarshaal), San Jose, CA, USA


Dhaqaale xumidda iyo gaajada Afrika ka taagan, waxa ugu wacan maamul xumo, musuq-maasuq, qaynuun xumo iyo dagaal joogta ah. Haddii aynu Miisaaniyadda 2005 ee Somaliland metal u soo qaadano, intuba way ka muuqdaan (maamul xumo, musuq-maasuq, sharci-darro iyo qabanqaabo dagaal). Miisaaniyadda haddaan loo isticmaalin sidii loogu talagalay waa dembi, waxa iyana kale oo dambi ah cashuur aan la ansixin in la hirgeliyo. Waxa cad in labadaa dembiba laga galay ummadda marka aad ka tilmaan qaadato miisaaniyaddi loogu talagalay dhameystirka shuruucda sannadkii hore (2004) oo aheyd $79,923 oo lagu eedaynayo in Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Qaybe uu u isticmaalay si aan qaynuunka waafqsaneyn. Sidaas oo kale wasiirka maaliyadda ayaa golaha wakiillada ka hor qirtay cashuuur aan la ansixin inuu hirgeliyay. Waxa weliba intaa dheer in Wasiirku uu qirtay in kharashka ku qeexan Miisaaniyadda (2005), qaarkood laga been fariimaayo.

Haddii aad u haysatay dawladda Somaliland in ay ku xad-gudubto xuquuqal-insaanka oo qudha, dib isugu noqo. Distoorku ansixinta qawaaniinta waxa uu u xil-saaray baarlamaanka oo qudha. Wasiir iska daayoo xataa Madaxweynuhu ma ansixin karo Haddana waxa la ogyahay in sidii wasiirka maaliyaddu (Cawil) uu ka qirtay baarlamaanka inuu cashuuraha qaarna kordhiyay, qaar cusubna sameeyay, soo ururintoodana hirgeliyay, iyada oo aanu baarlamaanku ansixin. Taasi waxa ay kuu caddeynaysaa in Wasiirku u badheedhay in uu cashuur aan sharci ku saleysnayn hirgeliyo, isaga oo aan baarlamaankii waxba iskaga tirinayn inuu sida uu doonnana ugu tagri-fali karo. Tani waa mid hor leh oo ay tahay in Xeer-ilaaliyaha guud iyo baarlamaanku ay ka hawl galaan.

Nin walba halkii bugtaa isagay belbeshaa, miisaaniyadduna haddii aan baahiba baahida ay ka mudan tahay aan laga fuudh yeelin amba sidii loogu tala galay loo isticmaalin, waa hal bacad lagu lisay. Haddaba Miisaaniyadda 2005 ee baarlamaanku maanta ansixiyay waa mid sii dhid-baysa siina baahinaysa baahida dhaqaale ee loogu tala galay in ay khafiifiso. Waa mid aan meel aan baahi jirin loo badiyay, waa mid lagu badhxay cashuur aan sharci ahayn, waana mid lagu hafrayo agoomaha iyo Naafada, waa mid aan horumarkii wax la sheegi karo aan looga qoondayn, waa mid Cabdi Xasan Buuni ka yeeshay boqorkii martiqaadka $7,123, waa mid Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeeenka ka yeeshay kuwii ugu mushahar badnaa Madaxda Afrika iyo Europe, waa mid dakhligii dekkedda Berbera, dakhligii Haamaha shidaalka TOTAL, kii madbacadda iyo ilihii dhaqaale ee kaleba ka dul booday, waa mid isku soo wada duuboo himilada Somaliland soof daran habaabinaysa.

Cashuur aan la ansixin oo la hirgeliyaa waa kow. Waxase caado noqotay in si kastaba ha lagu soo ururiyee ay in badani khasnadda dawladda garab marto, qaarna loo isticmaalo si aan laaqi ahayn. Farsamo xumidda caynkaas ihi way ku barra-kicisaa. Waxaana ka mid ah; aan idiin horeysiiyo Miisaaniyadda Somaliland ee 2005 oo lagu qiyaasay ilaa iyo 22 milyan oo dollar ($1=6,739 S/L) boqolkiiba tobban (10%) iyo jar jar ($2,260,630) ayaa ku baxa mushaharka Madaxweynaha, Madaxweyne/ku-xigeenka iyo Madaxtooyada.

Aan kuu sii bal-balaadhiyo. Laba iyo toban milyan oo dollar iyo weliba jarjar $12,120,276, waa xoolo dameer gooya. Xoolaha intaa le’egi marka laga shidaal qaato labbadii sannadood ee u dambeeyay, waxa weeyaan mushaharka Madaxweynaha ($2,931,528), ka Madaxweyne/ku-xigeenka ($872,038) iyo kharashka Madaxtooyada ($8,316,710) shanta sannadood ee ay xukunka haynayaan.

Mushaharka intaa le’eg ayaa nin mar Hargeysa Maayar ka ahaan jiray, madaxda UDUB-na ka mid ah oo la yidhaahdo Cawl Cilmi Cabddala uu mar uu magaalada Bristol ee dalka ingiriiska ka hadlayay shir UDUB isugu timid kaga dhawaaqay in Madaxweynaha Mushaharka loo kordhiyo. Cawl layaab ma laha oo markii uu Maayarka ahaa mushahar u xadidnaa ma jirin ee hadba inta gacantiisu qaado ayuu rujin jiray

Sannadkan maanta ah waxa aad moodaa in ay ka soo dhacday Madaxweynaha iyo Madaxweyne/ku-xigeenka waxa ay ka mushahar badan yihiin Madaxweynaha iyo Madaxweyne/ku-xigeenka Maraykanka oo mushaharkoodu kala yahay $400,000 iyo $186,320. Sidaa awgeed, Madaxweyne Rayaale waxa uu iska dhimay boqolkiiba labaatan (20%) Madaxweyne/ku-xigeenkuna boqolkiiba (5%). Taasina waxa ay mushaharkoodii hoos ugu soo ridday sidan $385,876 iyo $170,827. Haddii uu Madaxweyne Rayaale is lahaa hakaa hadho mushaharkaaga oo la garab-dhigo ka Madaxweynaha Maraykanka, waxa uu iloobay inuu weli yahay Madaxweynaha ugu Mushaharka badan qaaradda Africa iyo qaaradda Yurub-ba.
Dhinaca kale haddii aad ka eegto Mushaharka Madaxweynuhu ($385, 876) waxa uu ka badan yahay Miisaaniyadda lix wasaaradood oo la isku darro, kuwaas oo kala ah a) Xoolaha $95,656; b) Beeraha $83,649; c) Ciyaaraha $58,711; d) Cadaaladda; $34,994; e) Macdanta iyo Biyaha $77,469 iyo f) Xidhiidhka Golayaasha $23,610. Waxa kale oo la odhan karaa waxa ay is le’eg yihiin Miisaaniyadda Golaha Guurtida oo ah $399,189.

Waxa aad intaa ku darsataa Madaxweynuhu Kiro nal iyo biyo toona ma bixiyo. Xataa cashuurta mushaharka (payroll tax/income tax) askariga kurigiisa ilaaliya laga jarro Madaxweynaha lagama jarro. Waxa intaas dheer Wasaarada Madaxtooyada oo Madaxweynaha hoos timaada oo uu sida uu doono u isticmaalo miisaaniyadeeda oo ah $1,703,923. Taas waan u soo noqon ee aan ku horeysiiyo kharashka ku baxa Ilaalinta Qasriga Madaxweynaha oo ah $276,297, kaas oo ka badan Miisaaniyadda lix (6) wasaaradood oo la isu geeyay oo kala ah: a) Qoyska $37,004; b) Ciyaaraha $58,711; c) Cadaaladda $34,994; d) Qorshaynta $43,950; iyo e) Macdenta iyo Biyaha $77,469.
Haddaad sida Cawl aaminsan yahay Madaxweynaha mushaharku inuu ku yar yahay, waxa aad xisaabta ku darsataa Miisaaniyadda Madaxtooyadda oo iyana ah $1,703,927. Taasi oo ka miisaaniyad badan lix iyo toban (16) wasaaradood iyo toddoba hay'adood (7) oo la isku daray miisaaniyadood oo kala ah: a) Duulista $218,708; b) Beeraha $83,649; c) Macdanta iyo biyaha $77,469; d) Xoolaha $95,656; e) Reer Miyiga $98,486; f) Kalluumaysiga $131,622; g) Cadaaladda $34,994; h) Qorshaynta $43,950; i) Boostada $79,673; j) Diinta $61,449; k) Dalxiiska $81,266; l) Dib-U-dejinta $50,559; m) Xidhiidhka Golayaasha $25,610; n) Qoyska $37,004; o) Ciyaaraha $58,711; p) Ganacsiga $129,099; iyo q) Maxkamadda Sare $66,323; r) Xeer-ilaalinta Guud $68,733; s) Hay'adda Shaqaalaha $ 76,714; t) Hanti-dhowrka Guud $73,657; u) Miino-Saarka $30,928; v) Qandaraaska $17,352 iyo x) N.D.C $36,846.

Madaxweyne/ku-xigeenka qudhiisu dab yar shidi maayo. Mushaharka Madaxweyne/ku-xigeenkuna waxa uu ka badan yahay Miisaaniyadda afar wasaaradood oo la isku daray oo kala ah: a) Qorsheynta $43,950; b) Diinta iyo Awqaafta $61,449; c) Horumarinta Qoyska $37,004 iyo d) Xidhiidhka Golayaasha $25,610. Madaxweyne/ku-xigeenku talow ma og yahay in uu mushaharkiisu in ku dhow saddex (3) laab uu ka badan yahay Miisaaniyadda wasaarada diinta iyo awqaafta iyo inuu saddex laab (3 times) ka badan yahay Miisaaniyadda Jaamacadda Hargeysa, Jaamacadda Camuud iyo machadka tababarka macalimiinta oo marka la isku darro isku noqonaya $44, 520.

Waxa kale oo iyana jira wasaarado badan oo aan loo baahnayn oo ay ka mid yihiin Wasaarada Madaxtooyada, Warfaafinta, Dalxiiska, Xidhiidhka Golayaasha, Dib-u-dejinta, Duulista iyo qaar kaleba. Wasaarada Dalxiiska oo kuwaas ka mid ah oo loo qoondeeyay miisaaniyad dhan $81,266, bal aan hoos u eegno. Shantii sannadood ee u dambeeyay Miisaaniyadda lagu qoray wasaarada dalxiiska waxa ay dhan tahay $304, 081, sida uu wasiirka dalxiisku sheegayna shaqaale ay leedahay ma jiro. Haddaba waxa layaab leh in wasaarada ninka qudhi horfadhiyo wax dakhli ahna aanu soo gelin ay ka miisaaniyad badan tahay Miisaaniyadda toddoba (7) wasaaradood oo kala ah: a) Boostada $79,673; b) Macdanta iyo biyaha $77,469; c) Cadaaladda $34,994; d) Maxkamadda Sare $66,323; e) Xeer Ilaaliyaha Guud $68,733; f) Hay'adda Shaqaalaha $76,714 iyo g) Hanti Dhowrka $73,657. Waxa kale oo ay ka badan tahay Miisaaniyadda laba wasaaraddood oo la isku daray oo ka la ah: a) Qorsheynta $43,950 iyo b) Xidhiidha Golayaasha $25,610.

Waxa sannadkan soo baxay wax been-abuur ah oo lagu hafrayo Naafada iyo agoomaha. Naafada iyo Aggoomaha ururkooda Sooyaal, sannadkan miisaaniyadiisa waxa lagu qoray $22,318 oo tii sannadkii hore ka yar. Waxa kale oo aynu ka war qabnaa in Aggoomihii markay gaddoodeen wasiirka daakhiligu uu askar u dalbaday, kuna yidhi waqtigii SNM-tu wuu dhammaaday ee meesha ka dareera. Agoomihii sidaa loola dagaalamay, ayaa haddana lagu magacaabay miisaaniyad ah $1,469, 695. Waxase caddaan ah in ay hafar tahay iyo been-abuur. Tafaasiisheeduna waa sidan: a) Raashin $266,235; b) Stayshineriga $712; c) Shidaalka $4,541; d) Mushaharka $1,193,668; e) Habeen dhixida Naafada $1,484 iyo Naafada $3,056. Istayshineriga iyo habeen dhixid Aggoomaha loogu tala galay ma jirto ee su’aashuse waxa ay tahay, xukuumaddu inay baarlamaanka iyo dadkaba soof darran habaabiso ma qawaaniintay ka mid tahay?

Waxay wasaaraduhu ka siman yihiin miisaaniyad loo qoondeeyay, waxa lagu sheegay isticmaalka iyo iibsiga qalabka nalka iyo biyaha oo marka la isu geeyo isku noqonaaya $142,552. Dusha waxa aad ka mooddaa wax la garawsan karo, marka aadse u kuur gasho waxa soo baxaya laba arrin labadaba, waa mide, wasaarad iyo wasiir bixiya biyo iyo nal midna ma jiro, waa mida kale’e qalabka biyaha iyo nalka mar uun baa la iibsadaa ee joogto ma aha. Waxa la ogyahay in wasiirka Maaliyadda iyo wasiir hore oo arimaha gudaha ahaan jiray ay ku dagaalameen, kuna xagxagteen shaqaalihii biyaha.

Waxa iyana miisaaniyad gaar ah leh Qareen sabool iyo markhaatiyaasha oo noqotay $9,972. Fikradaasi way fiican tahay, hase yeeshe weli lama hayo qareen qudha oo ay dawladdu qof sabool ah u qabatay lacagtiina u tirisay

Waxa kale oo iyana Miisaaniyadda ku qayaxan Kharash dhan $64,020 oo loogu tala galay hawlaha magaha iyo xaqsiinta. Haddaba waxa muranku ka taagan yahay ma maxkamaddaa xukunta, mise wasiirkaa kuu doonana xaq siiya, kuu doonana daadefeeya?

Waxa kale oo jira wax dawladdu ay ku sheegto kharashka yaryar oo isku noqonaya $42,570. Kharashkaasi waxa uu ka badan yahay Miisaaniyadda saddex (3) wasaaradood oo kala ah: a) Horumarinta Qoyska $37,004; b) Cadaaladda $34,994; iyo c) Xiddhiidhka Golayaasha $25,610. Xoolaha intaa le’eg in lagu sheego Kharashka yar yar oo aan xisaab laheyn waa budhcadnimo.

Waxa kale oo iyana ah wax lala yaabo: a) Kelmadda Rugta Ganacsiga $4,748; b) Marti-qaadka $66,256; c) Tababarka Warshadleyda $1,971 iyo d) Kharashka garsoorka ciidamada $9,438. Ugu horeyn Rugta Ganacsiga dadka ay u adeegto oo ah ganacsatada ayay tahay in ay xilkeeda qaadaan, dawladdana ka madaxbanaanaadaan. Mar labaadka ganacsatada awoodi karta maal-gelinta wershadaha, sideebay dawladdu ugu kharash-garaysaa tababar? Tababarka ayse dawladdu ganacsatada siinayso maxay tuurteeda ugu toosin wayday. Lacagtan marti-qaadka ku baxaysa ee wasiir walba u qoran, waa xad-dhaaf, inteeda badanna waa la iskaga tagri-fallaa, mana jiraan dariiq (policy) loo raaci karo oo u dejisan. Ta garsoorka iyo ciidamadu iyana waa mid kale oo lagu qoslo.
Fidinta maamulka iyo hawlaha Bariga sannadkii hore waxa loo qoondeeyay $95,238, sannadkana in ka badan toban (10) laab ayuu kor u kacay $1,072,860. Markaa waxa aynu filnaa waa in Burco iyo Borama Shillinka Somaliland la gaadhsiiyo, iyo Sool iyo Sanaag oo la soo hooyo sannadkan.
Waxay dawladdu leedahay in ka badan toban (10) wasiiru-dawle. Intaas oo Wasiiru-dawle mid qudha ayaa leh miisaaniyad u gaar ah, kaasina waa wasiiru-dawlaha wasaarada arrimaha dibadda (foreign affairs), waxana loo qoondeeyay $10,387.

Haddaynu u soo noqono waxbarashada $1,062,928 iyo caafimaadka $650,890, marka la isku darro waxa ay u dhigmaan Miisaaniyadda Madaxtooyada $1,703,927.

Waxa iyana layaab leh Miisaaniyadda loo qoondeeyay ciidamada Asluubta oo ku dhow hal milyan oo doollar ($993,478), taas oo ka badan Miisaaniyadda wasaarada caafimaadka ($650,890) laban laab in ku dhow, waxaana la odhan karaa waxa ay is le’egyihiin Miisaaniyadda Waxbarashada $1,062,928. Waxa kale oo ay ka badan tahay Miisaaniyadda shan iyo toban (15) wasaaradood oo la isku daray, kuwaas oo kala ah: a) Beeraha $83,649; b) Cadaaladda $34,994; c) Qorsheynta $ 43,950; d) Macdanta iyo Biyaha $77,469; e) Reer Miyiga $98, 486; f) Ciyaaraha $58,711; g) Dib-U-dejinta $50,559; h) X. Golayaasha $25,610; i) Maxkamadda Sare $66,323; j) Xeer-ilaalinta Guud $68,733; k) Hanti-dhowrka Guud $73,657; l) Miino-Saarka $30,928 iyo m) Hay'adda Shaqaalaha $76,714.

Waxaa iyo wax ka darran ayay hantidii yarayd ee dumarka agoomaha korsanaya, ee koobka shaaha bacadka ku iibiya laga soo gurayo lagu khasaariyaa.

Waxa aan idiin horeysiiyay wasiirka xidhiidhka labada gole (Xasan Cabdi Buuni) in miisaaaniyadiisa martiqaadku dhan tahay $7,123. Marka aad eegto Miisaaniyadda wasaarada oo dhan $25,610, martiqaadku waxa uu noqonayaa saddex daloollow dalool.

Waxa iyana la yaab leh in Miisaaniyadda kala badh (50%) ay ku baxayso ciidan iyo wixii xidhiidhiya. Marka aad taas ku darto 10% ka ku baxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne/ku-xigeenka, waxa Miisaaniyadda ka soo hadhay 40% oo qudha oo iyaguna ku baxaya dalxiis iyo martiqaad.

Walee wadanka sidaa wax u luminayaa meel ma gaadho!
Shaxda Koowaad (1)
Soo Koobida guud Ee Miisaaniyadda Sannadeedka - 2005
Description ($1 = 6,739 S/L Shilling)
S/L Shilling US$Dollar
Qasriga Madaxtooyada 2,600,419,200 385,876
Madaxweyne Ku-xigeenka 1,151,200,000 170,827
Wasaarada Madaxtooyada 11,482,761,458 1,703,927
Golaha Guurtida 2,690,134,800 399,189
Golaha Wakiillada 2,849,863,200 422,891
Maxkamadda Sare 446,948,800 66,323
Xeer Ilaaalinta Guud ee Qaranka 463,194,400 68,733
Hay'adda Shaqaalaha 516,977,600 76,714
Hanti-dhowrka Guud 496,375,200 73,657
Guddida Qandaraasyada 116,932,000 17,352
Hay'adda Nerad 186,780,000 27,716
Wasaarada Arimaha Dibadda1,870,580,000 277,575
Caddaaladda 235,824,000 34,994
Ciidanka Asluubta 6,290,707,200 933,478
Maxkamadaha Hoose 1,956,383,200 290,308
Arrimaha Guddaha 7,253,005,000 1,076,273
Ciidanka Bileyska 15,499,411,200 2,299,957
Warfaafinta 1,120,164,000 166,221
Gaashaandhigga 8,198,449,200 1,216,568
Ciidanka Qaranka 39,464,354,920 5,856,114
Qorsheynta 296,182,400 43,950
Maaliyadda 14,795,601,571 2,195,519
Ganacsiga & Wershadaha 869,997,600 129,099
Macdanta iyo Biyaha 522,060,400 77,469
Kaluumaysiga 887,002,400 131,622
Beeraha 563,710,400 83,649
Xannaanada Xoolaha 644,624,000 95,656
Boosaha & Isgaagsiinta 536,919,360 79,673
Waxbarashada 7,163,075,000 1,062,928
Caafimaadka 4,386,348,000 650,890
Diinta iyo awqaafta 414,108,000 61,449
Dalxiiska 547,649,600 81,266
Hawlaha Guud 3,229,372,800 479,207
Duulista & Gaadiidka Cirta1,473,875,200 218,708
Horumarinta reer Miyiga 663,696,800 98,486
Dib-u-dejinta 340,717,600 50,559
Hay'adda N.D.C 248,302,600 36,846
Hay'adda Miina Saarka 208,425,600 30,928
Xidhiidhka Golayaasha 172,588,000 25,610
Dhallinyarada & Ciyaaraha395,652,000 58,711
Guddiga Doorashooyinka 4,752,469,000 705,219
Horumarinta Qoyska 249,368,000 37,004
Total 148,252,211,709 21,999,141

Shaxda Labaad (2)
Kharashka Naafada iyo Aggomaha
Faahfaahin US$ Dollar
Raashinka Naafada, Aggomaha iyo Hawl-gabka 266,235.00
Istayshineriga (stationery) Naafada 712.00
Shidaalka Naafada 4,541.00
Mushaharka Naafada & Agoomaha 1,193,668.00
Habeen Dhixida Naafada 1,484.00
Naafada 3,056.00
Isugeynt $ 1,469,696.00

Shaxda Saddexaad (3)
Kharashka Raashinka
Raashinka Ciidanka 1,367,714.00
Raashinka Aggoomaha 3,561.00
Raashinka Cisbitaaalka 31,162.00
Raashinka Warshada 4,553.00
Raashinka Maxaabiista 216,649.00
Raashinka Naafada iyo Aggomaha 266,235.00
Raashinka shanta Maxbuus 3,039.00
Kabka Raashinka Ciidamada 116,694.00
Isugeyn $ 2,009,607.00

Shaxda Afraad (4)
Miisaaniyada Hoostimaada Wasiirka Daakhiliga
Ciidanka Asluubta 933,477.85
Wasaarada Arimaha Gudaha 1,076,273.19
Ciidanka Bileyska 2,299,957.14
Isugeynt $ 4,309,708.18

Shaxda shannad (5)
Kharashka Ciidan iyo sirdoon
Wasaarada Gaashaandhiga 1,216,568.00
Ciidanka Qaranka 5,856,114.00
Ciidanka Bileyska 2,299,957.14
Ciidanka Asluubta 933,477.85
Wasaarada Arrimaha Gudaha 1,076,273.19
Isugeynt $ 11,382,390.18  

Top


Hawl-Wadeeno Ka Tirsan Idaacad
Faransiis Ah Oo Laga Mustaafuriyay
Dalka Djibouti Iyo Xaaladda Murugsan
Ee Isku Gedeftay Xidhiidhka Labada
Xukuumadood

Waxa La Eryay Markii Ay Idaacadoodu
Ka Hadashay Kiiska Qareenkii
Faransiiska Ahaa ee Meydkiisa
Laga Helay Duleedka magaalada Djibouti

Paris, January 23, 2005, (Haatuf) – Xukuumadda Djibouti ayaa go’aan ku gaadhay inay dalkeeda ka caydhiso lix hawlwadeen oo u shaqayn jirey Idaacad Faransiiska ah oo magaceeda marka la soo gaabiyo la yidhaahdo RFI (Radio France International) maalintii sabtidii, taasina waxay keentay inay gebi ahaanba hawada dalka Djabouti ka baxdo dhegaysiga idaacadaasi, waxayna arintani xiisad siyaasadeed oo kacsan ka dhex-abuurtay xidhiidhka labada dal ee Faransiiska Iyo Djibouti, waxaana warka ku saabsan eriga hawl-wadeenada Faransiiska habeenkii xalay baahisay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.

Go’aanka ay dawladda Djibouti dalkeeda kaga saartay kooxdan Farsamayaqaanada Faransiiska ah waxa uu daba socdaa ama jawaab u yahay go’aan ay u soo saartay dawladda Faransiisku, taas oo ay maxkamad Faransiis ahi u yeedhay ninka madaxda ka ah Sirdoonka Djibouti oo magaciisa la yidhaahdo Xasan Siciid iyo xeer ilaaliyaha guud ee dawladda Djibouti, waxayna sababta labadaa nin loogu yeedhay ahayd in wax laga waydiiyo kiis dil ah oo ka dhacay dalka Djibouti, taas oo nin qareen ah oo Faransiis ah oo magaciisa la odhan jiray Bernard Borrel bishii Oktoobar, 1995-kii maydkiisa laga helay meel 80KM u jirta magaalada Djibouti, wuxuuna dilka ninkaasi ku beegmay xili uu ku jiray baadhis ku saabsan bam lagu qarxiyey Hudheel ku yaal magaalada Djibouti oo uu ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo Faransiis ahi, isla markaana waxa soo baxay shaki ah inay xukuumadda Djibouti si qarsoodi ah ugu lug lahayd dilka qareenka Faransiiska ah. Sidaa darteed markii ay sheekadani soo ifbaxday sheekadan ku saabsan kiiska qareenkii Faransiiska ahaa ee maydkiisa laga helay duleedka magaalada Djibouti ayey dawladda Djiboutina taa kaga jawaabtay inay dalkkleeda ka caydhiso 6 farsamayaqaan oo Faransiis ah oo u shaqayn jiray idaacadda RFI.
Sida ay ku warantay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP oo soo xiganaysa afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha debadda ee Faransiiska oo magaciisa la yidhaahdo Cecile Pozo Di Borgo ayaa xaqiijisay caydhinta lixdaa farsama yaqaan ee Faransiiska ah.

Idaacada Faransiiska ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo RFI ayaa iyaduna arrintaa kaga jawaabtay inay gebi ahaanba laabto mawjaheedii laga dhegeysan jirey dalka Djibouti, taasi oo meesha ka saartey in laga dhegeysto idaacadaasi dalka Djibouti. Waxaanay RFI sheegtey in ka dib markii Idaacadoodu baahisay war ku saabsan sheekada garyaqaan Borrel ay Djibouti dalkeeda ka caydhisay farsamayaqaanadii Idaacadooda ee ka hawlgeli jirey gudbiyaha idaacada ee Djibouti aanay Idaacadu dib uga hawlgeli karin dalkaasi, isla markaasna aan laga dhegeysan karin, sidaas darteed ay meesha ka baxday in idaacada RFI laga dhegaysto Djibouti.

Arrintani waxa ay ka dambaysay ka dib markii ay maxkamada Faransiiska ee Versailles amartay 10-kii bishan January, in loo yeedho si loo dhegaysto madaxa sirdoonka Djibouti Mr. Xasan Siciid, isla markaana wax looga weydiiyo caga-juglayn uu u geystay markhaatiyada dacwad la xidhiidha dhimashada garyaqaan Faransiis ah oo la odhan jirey Bernard Borrel. Markhaatiga uu Xasan Siciid u caga-jugleeyey, isla markaana uu ku amray inuu ka been sheego dacwada dhimashada Borrel ee uu markhaatiga ka yahay.

Elisabeth Borrel oo ah xaaska ninka garyaqaanka ee dhintay ayaa daboolka ka qaaday in 19 October 1995-kii laga helay maydka ninkeeda meel Djibouti u jirta 80km, isla markaana jidhkiisa qayb ka mid ahi ku gubatay gaas. Laakiin ay arrintu u qaadan waa iyo dareen naxdineed ku abuurtey bishii November 2002. Markii ay soo baxday wax ka duwan wixii ay ku sheegtay xukuumada Djibouti dhimashadiisa, isla markaana ay soo baxday in ninkaasi la khaarajiyey.
Djibouti waxay xarun u tahay ciidamo Faransiis ah oo tiradoodu tahay 2700 askari, 1500 Maraykan ah iyo 200 jarmal ah, kuwaas oo u jooga la dagaalanka waxa ay ugu yeedheen la dagaalanka argagixisada. 

Top


Caawimada Kooban Ee Ay Carabtu Ugu
Yaboohday Dawladda Mbagathi Iyo
Saluugga C/Laahi Yuusuf

Hargeysa, January, 23, 2005 (Haatuf) – Madaxweynaha dawladda Imabagati ee Somaliya, C/laahi Yuusuf ayaa walaac iyo niyad-jab ka muujiyey caawimo kooban oo ay dalalka Carabtu sheegeen inay ugu yabooheen dawladda Somaliya loogu soo dhisay Imbagati, taas oo muujinaysa inaanay dawladaha Carabtu niyad wanaag iyo kalgacayl u hayn dawladda uu madaxweynaha ka yahay C/laahi Yuusuf, wuxuuna C/laahi Yuusuf sidaa ku sheegay waraysi uu dhowaan siiyey wargeyska la yidhaahdo Sharqul-awsad ee afka Carabiga ku soo baxa, kana soo baxa magaalada London ee dalka UK.

Sida ay wararka arintaa ku saabsani sheegeen dalalka Carabtu waxay dawladda Imabagati ugu yabooheen lacag gaadhaysa hal milyan oo doolarka Maraykanka ah si ugaga shaqayso hub-dhigista maleeshiyaadka hubaysan ee Somaliya jooga, laakiin C/laahi Yuusuf caawimada kooban ee ay dalalka Carabtu ku yabooheen waxa uu ka muujiyey saluug weyn, waxaanu sheegay inaanay caawimadaa yari waxba ka tarayn hub ka dhigista maleeshiyaad iyo dib u dhiska dalka Somaliya iyo hawlaha dib u heshiisiinta.

C/laahi Yuusuf isaga oo khadka telefoonka ugu waramaya wargeyska Sharqul-awsad waxa uu yidhi “lacagtani kuma filna xataa hub ka dhigista saldhig bilays”, isaga oo intaa raaciyey inay dawladdiisu u baahan tahay lacag gaadhaysa ugu yaraan boqol milyan oo doolarka Maraykanka si hubka looga dhigo maleeshiyaadka hubaysan, loogagana shaqeeyo hawlaha nabadaynta Somaliya, wuxuuna sheegay inuu arintaa kaga hadli doono shir lagu wado inay madaxda dalalka Carabtu 17-ka bisha March ee foodda inagu soo haysa ku yeeshaan dalka Aljeeriya.

Top


Boqor Raabi Oo 4 Caano-Maal Ku
Xidhnaa Saldhigga Dhexe Ee Bileyska
Hargeysa

Hargeysa, January 23, 2005 (Haatuf) – Boqor Raabi Yuusuf C/laahi oo ka mid ah madax-dhaqmeedyada Hargeysa ayaa ku xidhan saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa muddo afar maalmood ah. Ka dib markii sida ay sheegeen dadka eheladiisa ahi galabnimadii 19 January 2005 ay ciidanka bileysku ka taxaabeen suuqa magaalada Hargeysa.

Xadhiga Boqorka ayaa la rumaysan yahay inuu ka dhashay wareysi laga sii daayey TV-ga Somaliland ee magaalada Hargeysa maalmo ka hor intii aanu xabsiga loo taxaabin, kaas oo uu kaga hadlay taageerada uu siiyay Baaqa uu soo jeediyay Suldaan Maxamed C/qaadir ee ahaa in la qabto shir Isaaq iyo waxa uu aaminsan yahay fekerkiisa siyaasiyan, isla markaana uu ku naqdiyay hogaanka xukuumada Somaliland, waxayna waxa ehelada boqorku sheegeen inay ciidanka bileysku isaga oo galabnimadii arbacadii ku socda masaajidka ay u yimaadeen oo ay u sheegeen in saldhiga laga doonayo, sidaana uu ku raacay, ka dibna loo sheegay inuu xidhan yahay.

Laakiin Caaqil Axmed Cismaan (Cadde-Gudde) oo ka mid ah cuqaasha beesha boqorka oo aanu khadka telefoonka xalay kula xidhiidhnay, isaga oo jooga magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in markii ay xadhiga boqorka wax ka weydiiyeen xukuumada ay u sheegeen in lagu haysto warar uu jaraa’idka siiyey, balse aanay jawaabtaasi noqon mid ay ku qanceen.

Caaqilku wuxuu sheegay inay shalayto shir isugu yimaadeen cuqaasha iyo aqoonyahanka iyo wax-garadka beesha boqorku, isla markaana ay saxaafada ugu soo bandhigeen mawqifkooda xadhiga boqorka, isaga oo yidhi. “Marka hore shirka ay isugu yimaadeen, cuqaasha iyo aqoonyahanka beeshu waxay ku cadeeyeen inaanay waxba ka jirin waxa laysku xamanayo ee ay aaminsantahay Somaliland iyo qaranimadeeda, waxayna beeshu ka xumaatay xadhiga boqorka.

Somaliland waa qaran dimuqraadi ah oo dhisan qof walibana ra’yigiisa waa u xor, ninkaasuna wuxuu hadlayey xorriyadiisa iyo ra’yigiisa, haddiise ay xukuumadu wax ka tirsantay waxay ahayd inay nagala soo hadasho, balse may ahayn nin sharaf beeleed huwan in dhabarka layska qabto oo suuqa laga qafaasho”.

Caaqil Axmed waxa uu sheegay inay hay’daha dawlada ee xadhiga boqorku khuseeyo u tageen xubno ganacsato iyo odayaal ahi, balse aanay ku qancin jawaabta ay siiyeen. Sidaa awgeed ay kulanka shalay u qabteen si ay xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba u tusaan arrintaan, wuxuuna yidhi “ xukuumada waajibay ku tahay inay ilaaliso sharafta iyo karaamada qofka muwaadinka ah iyo qofka madax dhaqmeedka ah ee huwan ta beesha, isla markaana ay ilaaliso deganaanshaha iyo nabadgelyada, beeshana waxa waajib ku saaran yahay inaanay ilaaliso wixii wax u dhimaya sharafta qaranimo, jiritaanka Somaliland iyo nabadgelyada bulshada. Sidaa awgeed waxa shirka aanu shalay iskugu nimi ahaa baaq aanu madaxweynaha iyo xukuumadiisa leenahay waa in deg deg loo soo daayo boqorka oo sharaftiisa iyo xorriyadiisa loo soo celiyo”.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Wakiilladu Dantii Guud Ma Waxay Ka
Horeysiiyeen Danahooga Gaarka Ah?

Nin baa laga hayaa (Geelayga inaan gorayo cawl uga hadhaa waa wax soo go’aye”.

Imika waxaa leeyahay himiladii Somaliland ee naf iyo maalba loo soo hurey isma hortaagi karaan kooxo yar oo danaystayaal ahi.

Waxaan la yaabay markii la yidhi labadii doorasho ee hore khalad bay u dhaceen, laakiin doorashada maanta ayaanu saxaynaa.

Golaha wakiilada waxaan weydiin lahaa miyeydaan ogeyn in labadii doorasho ee hore ay rag xilal culus hayey ku waayeen, ragna ku guulaysteen sida maayaro iyo madaxweyneyaal.
Ta kale maxaad hore ugu qaban weydeen khalad aad maanta aragteen, maadaama xilkiinu yahay inaad sharciga ilaalisaan, mise belaayadaa kaa fogeyd.

Laakiin waxaan idin leeyahay mindida lagu gawracayo labadii doorasho ee hore ayaa ta maanta lagu gawracayaa ee qoorta soo dhigta, waxba xilka ha jeclaysanina, aniga oo idin leh nin qayrkii loo xiirayow soo qoyso adigu. Sidee baad maanta u diideen wixii aad hore u yeesheen, mise waxaad moodeen wasiir aad hore u diideen ansixintiisa in laydin yidhi ansixiya.

Doorashada baarlamaanka waxa ku xidhan yihiin wadanka, sidaa darteed golaha wakiilada waxaan ka codsanayaa inay todoba cisho gudahood kaga noqdaan arrintaa. Inkasta oo ay rag lacagta korodhsaday ay u muuqdaan inaanay dantooda ka noqonayn. Haddii kale waa inay dadweynuhu kala noqdaan kalsoonidii ay ku igmadeen, maadaama ay ka horyimaadeen danta guud.
Waa inay xisbiyada iyo xukuumadu ka hawlgalaan sidii uu caaqil waliba u soo bedeli lahaa xildhibaaniisa, laguna soo bedelo toban casho gudahood, maadaama aanu sharcigu madaxweynaha u fasaxayn inuu kala diro sannadka u dambeeya baarlamaanka, laakiin uu madax dhaqmeedka sharcigu u fasaxayo.

Ta kale marka la eego saami qaybsigaa kuraasta waxa aniga cadaalad iigu muuqata in lagu saleeyo sidii lixdankii oo lagu dhufto 2.5, aadamahana cadaalad baa deeqda, in sidaa la yeelana waxaan u arkaa xal, laakiin ta dambe waa nin iyo codkii.

Waxa la yidhi dameeruhu intay habeen badhkii qayliyaan ayey yidhaahdaan xaqii ma la helay, dadkuna shaydaanka ayey iska naaraan, imikana xaqa ay wakiiladu raadinayaan shaydaanka ayaan ka naartay, taasina waa fekerkayga shakhsiga ah oo xalaal ah.

Mawliid Axmed Jibril, Hargeysa. 

Top


Dawladda Somaliland Waa Inay Wax Ka
Qabato Foolxumada Lagula Kacay Suldaanka
Beesha Gabooye

Anaga oo ah Odayaasha beesha Gabooye ee Addis Ababa jooga waxa dhowaan socdaal noogu yimi Suldaanka beesha Gabooye Suldaan Nadiif-saydh Jibriil Mire, waxayna ujeedada socdaalka Suldaanku ahayd inuu la kulmo saraakiisha iyo hawl-wadeenada u xil-saaran arimaha dadka qaxootiga ah ee beesha Gabooye ee reer Somaliland, wuxuuna Suldaanku soo bandhigay ama sheegay inaanay beesha Gabooye ee reer Somaliland qaxooti ahayn, ka dib-na Suldaanka iyo saraakiisha Beesha Gabooye waxay halkaa iskula qaateen go’aan ah inaan debedaha loo qaadi karin dadka beesha Gabooye ee reer Somaliland, Taas oo hadii la sameeyo aanu u aragno inay wax u dhimayso ictiraafka Jamhuuriyada Somaliland, isla markaana waxa uu cadeeyey inay beesha Gabooye la siman yihiin ama la mid yihiin beelaha kale ee Somaliland, lana xuquuq yihiin, ayna xub-no ku leeyihiin saddexda gole ee Somaliland, mana jiro wax midab-takoor ah oo ay qabaan ama loo geystaa.

Suldaanka iyo saraakiishu waxay go’aankooda hor-geeyeen safiirka Somaliland ee Addis Ababa, waxaanay Suldaanka, saraakiisha iyo safiirka isla afgarteen inaanu jirin qaxooti Gabooye ah oo Somaliland laga qaadayaa, waxaase nasiib darro ah oo aanu ka xunnahay hadii aanu nahay Odayaasha beesha Gabooye fool-xumada iyo caddaalad darada ay ku hayaan ama u geysteen maxkamadaha Burco, Taas oo ah afduubkii Suldaankayaga loo geystay bishii Tobnaad ee sannadkii 2004, afduubkaas oo ay Suldaanka u geysteen maxkamadaha Burco, iyaga oo adeegsanaya bileyska saldhigga dhexe ee Hargeysa, waxaana Suldaankayaga loola dhaqmay si fool-xun, xoriyadiisana looga qaaday sidii qof gacan-ku dhiigle ah.

Wararka naga soo gaadhaya Hargeysa waxay sheegayaan inuu Suldaankayaga waaran xadhig ahi u yaalo Hargeysa, Taasina wax aanu u dulqaadan karno maaha, waxaanuna uga baaqaynaa dawlada Somaliland inay arintaa wax ka qabtaan, aniga oo leh mar hadii aan Suldaankayaga lagu hayn falal qaran-dumis ah waa khalad xahdiga maalin walba loo geysanayio, wuxuuna suldaankayagu la mid yahay madax-dhaqmeedka kale ee Somaliland. Hase yeeshee dawlada Somaliland ayaanu ka warsugaynaa bal waxa ay ka qabato arintaa foosha xun ee lagu kacay Suldaankayaga.
Odayaasha:

1. Maxamed Muuse Xayir
2. Maxamed Faarax Cabdi
3. Jaamac San-Weyne
4. Xuseen Maxamed Jaamac
5. Jaamac Maxamed Warsame
6. C/Shakuur Ibraahim Dacar
7. Ilyaas Faarax Dacar
8. Khaliif Mire Samatar
9. Mustafe Xasan Khaliif
10. Shirwac Maxamed Baley.

Top


Waxa Naloo Adeegsaday Awoodda Maxkamadda Sare

Waxaan ahay muwaadin reer Somaliland ah, waxaan ahay nin waayeel ah oo ay da’diisu tahay 80 jir, waxa igu dhacday arin aanan hore u arag, una maqal.

Waxaan halkan ku cadaynayaa dacwadda ku saabsan guriga lambarkiisu yahay J/DR/T/10/156, gurigaas oo ku yaal sekedda Xasan Rakuub dhabarkeeda ee xaafadda 26-ka Juun ee magaalada Hargeysa waxa mulkigiisa lahaa nin ahaa sarkaal sare oo boliska, marxuum Yuusuf Maxamud (Hangool) oo aanu walaalo nahay, gurigaasna dadka reer Hargeysa oo dhami way u yaqaaniin inuu marxuumkaasi lahaa, aniguna aan wakiil ka ahay, muddo 22 sannadood ahna maanta ka horow ciddina naguma qabsan, laakiin waxa dhacday inuu nin gudoomiye-kuxigeen ka ah maxkamadda sare ee Somaliland uu dacwad medeni ah oo ka furtay maxkamadda degmada Hargeysa, iyadoo uu kiiskaa isagu dacwoode ka yahay, galdacwadeedka lambarkiisuna yahay DML/1370/04, sidaana uu sameeyey isaga oo adeegsanaya awooddiisa xilleed, dabadeedna markii aanu maxkamadda waydiinay maxay dacwaddani ku saabsan tahay, waxay nagu tidhi waa ka saaris guri laga saarayo dad uu muddo dheer u kiraysnaa.

Dacwaddan oo uu ninkaasi u furtay si aan sharci iyo xalaal ahayn isaga oo maxkamadda kala masuugay cashuurtii dacwad furashada, furtayna kiis miskiin, ka dibna iyadoo loo hamranayo ayuu gudoomiyaha maxkamadda degmada ka qortay warqad amar ka saaris guri ah, aniguna markii aan sidaa ogaaday waxaan dacwaddii u qabtay qareen, ka dibna aniga iyo qareenkii aan qabtay waxaanu u tagnay maxkamadda, waxaanuna waydiisanay in nala siiyo nuqulkii dacwadda iyo warqaddii fulinta ka saarista, laakiin ilaa iminka taa waanu ka la’nahay maxkamadda, waxayna taasi nagu noqotay arin fejeciso ah, taas oo aan la tixgelin is-hortaaggii uu qareenku maxkamadda u gudbiyey iyo in nala siiyo nuqulkii dacwadda iyo warqaddii fulinta, dabadeedna iyadoo ay arintii halkaa marayso ayaa iyadoo la adeegsanayo baabuur ay maxkamaddu leedahay inta ciidan boolis ah saldhigga dhexe laga soo daabulay debedda loo soo tuuray oo alaabta debedda loogu daadiyey dadkii guriga ku jiray oo ah mulkiilayaashii guriga lahaa, dadkii kale ee kiraystayaasha ahaana way ka baxeen markii anaga nalaga saaray.

Dabadeed maxkamadda degmada ayaanu waydiinay sida ay fulinta noocan ahi u dhacday, waxaanay noogu jawaabtay waxba kama ogi ka saarista mulkiilayaasha, iyadoo uu waajibku yahay inay maxkamaddu goob joog ka ahaato fulinta amarrada noocan ah sidii aanu ku niqiinay nidaamka maxkamadaha.

Hadaba waxaan leeyahay garsoorayaasha maxkamadaha dalka fadhiyaa waa inay ogaadaan miskiinka, saboolka, aqoonka, taajirka iyo kuwa madaxda ahi inay u siman yihiin cadaaladda, ayna tahay in si siman loogu garqaado, allena uu taa idinku eegayo.

Ninka gudoomiye-kuxigeenka maxkamadda sare ah ee ku dacwoonaya gurigan waxaan isna leeyahay 22 sannadood ayuu marxuumkii gurigan lahaa sii mootanaa, adiguna intaa dalka waad joogtay mar ay Somaliland iyo Somaliyaba, balse markii aad fuushay kursiga sare ee maxkamadda ayaad guriga qufushay, taasina waa hanti ka qaadis iyo awood sheegasho, waxaasina waa wixii ay Somaliya ku burburtay, waxaanuna ku leenahay hadii aad guriga wax u sheeganayso shareecadda islaamka ayeynu ku kala baxaynaa.

Dawladda Somaliland ee uu madaxweyne Rayaale ugu sareeyana waxaan leeyahay ummadda idin soo dooratay Illaahay wuu idinku eegayaaye si cadaalad ah ugu garsoora, hadii uu miskiin yahay iyo hadii uu taajir yahay iyo hadii uu taajir yahayba, waxaana maxkamadaha iyo xukuumadda Somaliland-ba marti uga ahay inay arintan degdeg u soo fara geliyaan, waxna uga qabtaan oo ay ciddii xaq leh, xaqeeda siiyaan, ciddii xaqdaro wadana sharciga soo taagtaan.

N.B: Ooridii marxuum Yuusuf Hangool oo la odhan jiray marxuumad Faadumo Qoorsheel waxa xaqiiq ah inay hooyo u ahayd gudoomiye-kuxigeenka maxkamadda sare ee Somaliland, Maxamud Xirsi Faarax, wuxuuna doonayaa inuu nagu handado magaca iyo awoodda dawladda, agoontana sidaa ku dhaco, waxaanuse dawladda iyo shacbiga reer Somaliland u sheegaynaa inay arinta xaqiiqdeedu tahay sidaa aanu sheegnay, dawladdana waxaanu uga fadhinnaa wax ka qabasho iyo xaqsoor.

Caaqil C/laahi Maxamud Hangool, Hargeysa 

Top


Somaliland Maxaa Ka Khaldamay,
Maxaase Looga Baahan Yahay?

Marka hore salaan ku socota dhammaan akhristayaasha. Marka xigta waxaan rabaa inaan afeef ka dhigto qoraalkayga. Qoraalkani igama aha weerar iyo difaac toonna, waa sida inta badan aan qoraallada aragtida dadweynaha ku arko. Waxaanse uga jeedaa, inaan cabbiro aragtidayda, oo noqon karta sax ama khalad, oo dad badanna igu raaci karaan, dad badan oo kalena ay igaga soo horjeedi karaan. Intaa kadib.

Sida cinwaankaba ka muuqata, waxaan qoraalkan ugu talo galay inaan wax ka idhaahdo siyaasadda murugsan ee Somaliland madaxa la gashay muddooyinkan dambe. Waa marka hore maaha inaan ka tago xaqiiqada jirta oo dee! dalku waa nabad, waana la aqoonsan yahay xukuumadda iyo labada gole ee dalka ka jira. Balse xaaraan maaha in aad cabbirto garaadkaaga, oo wixii aad dhalliil u aragtana aad tilmaantaa, wixii taageero u baahanna aad taageertaa. Waxaynu wada ognahay in dalkeenna Somaliland aanu ilaa haatan lahayn baarlamaan la soo doortay, halka ay jiraan xisbiyo ku soo baxay tartan iyo madaxweyne ku yimi doorasho.

Dhaawaca ku yaalla Somaliland waa baarlamaanka, oo aan ahayn mid ku yimi doorasho. Akhristoow ha illoobin in Golaha wakiilladu ay soo qabteen wax farabadan oo ay ammaan ka mudan yihiin dadkeenna, balse marxaladda maanta la soo gaadhay ayaanay ahayn kuwii ku habboonaa. Dalkeenna waxa ka jira saddex Xisbi oo ka soo dhex baxay xisbiyo badan, markii la tartamay. Xisbiga UDUB iyo KULMIYE ayaa ku kala baxay tiro aad u yar, waxayna guushii raacday UDUB oo uu madaxweyne Daahir Rayaale ku guulaystay. Haddaba su'aashu waxay ahayd ama ay tahay ilaa maanta qaabkee ayey u wada shaqayn karaan xisbiyada mucaaradka ah iyo xukuumaddu?

Su'aashaasi mabay timaadeen haddii uu baarlamaan jiro, ee waxa su'aashaa keenaya waxaan jirin baarlamaan. Qof ahaan anigu garan maayo dal aan lahayn baarlamaan la soo doortay oo haddana leh axsaab mucaarad ah. Waxay ahayd in Madaxweynaha dalku uu xal keeno, si looga badbaado dhibaato qaran oo dadka soo waajahda. Waxay ahayd in madaxweynuhu uu cabbiro garaadkiisa oo uu eego qaabka ay u wada shaqayn karaan xisbiyada mucaaradka ah, maadaama aanuu jirin baarlamaankii ka saari lahaa dhibaatada ama khilaaf kasta oo horyimaada siyaasadda dalka.

Waxaynu inta badan ka maqalnaa madaxweynaha "Dalkan anigaa madaxweyne ka ah ee hallayga dambeeyo". Odhaahdaas waxaad moodaa inay ku jirto hanjabaad odhanaysa "Yaan waxba la ii sheegin" waayo, waa la wada ogyahay oo waa la aqoonsan yahay madaxweynaha dalka Somaliland oo waa Daahir Rayaale Kaahin, taa muran kama taagna, ee waxa muran ka joogaa kolba marxaladda dalku marayo oo wax laga tilmaamayo, ceebna maaha. Gaar ahaan xisbiyada mucaaradku gar-bay u leeyihiin inay wax tilmaamaan. Waxaase khaldamay oo markasta dhibteeda leh, inaanay jirin xisbiyadu qaabkii ay u soo jeedin lahaayeen aragtidooda, kaas oo ahaa in la helo baarlamaan ay ku jiraan dhammaan xisbiyadu.

Madaxwenuhuna muu samayn qaabkii looga bixi lahaa marxalladda adag ee dalku ku jiro oo ahayd in uu sameeyo qaab ay u wada shaqeeyaan xisbiyadu oo ay dalka u wada maamulaan. Marka aan leeyahay dalka u wada maamulaan. Akhristoow ha is odhan sidii uu madaxweynuhu u odhan jiray; "Dalka anigaa madaxweyne ka ah" Dalka waa la wada maamulayaa, waxaase leh maamulka ugu sarreeya madaxweynaha oo taa shaki kuma jiro, waase la is-tilmaamayaa, oo wax lawada qabanayaa. Wixii dalka u roon-ba waa la wada qabanayaa, ee maaha "Anigaa waxwalba qabanaya". Maanta waxa werwer laga qabaa qaabka ay u dhaqmayaan golaha wakiilladu, balse haddii uu jiri lahaa wada shaqayn xooggan oo xisbiyadda mucaaradka iyo xisbiga xukuumadda ka dhexeeya lagama werwareen golaha wakiillada. Maanta wada shaqayntaasi ma jirto, eedeedana waxa iska leh madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin.

Nabad iyo caano
Sayid M Yuusuf, Sweden

Top


SAAKA IYO ASLI INTERNET

Cali Duul-duul

Saaka iyo Asli internet waxay idiin haysaa tix gabay ah oo magaceda la yidhaahdo baadi-doon oo qayb ka mid ihi ku soo baxday barmaaijka Raadyow Ma Qaloocshe muddo haatan laga joogo sannad iyo saayid, waana tan qaybtii labaad:

Afarsanuu banbaaniyo ku jiray baliyo aafaade
Mar labaad ninkii bush haduu baawar helay xoogle
Beledkoo dhan buu maagan yahay bililiqayskiiye
Cidii nabadda ugu baaqayaan baadi doon ahaye
Mid kaloo bislaan baa jirtoo baafiskeed ahaye
Waagii bidhaama hubbaa lagu baduugaye
Buurihiiyo kaymahana waa laga dhex baadhaaye
Misna baylahdiisay dadkuba badi cadeeyeene
Biladna way tilmaamaan inay maal ku bixiyane
Binu laadin waxaa loo gafaan badi doon ahaye
Midkaloon bislaan baa jirtoo bafiskeed ahaye
Kun sannay bahdilid nagu hayeen beesha reer yurube
Afrikoo dhanbay baabasheen ama buquujeene
Hantiday ka boobeena waa boqol kun oo nooce
Badda yaduu talyaanigu ku qubay sunaybukhurshene
Wuxuu xabaal yar uuga boodayaan badi doon ahaye
Midkaloo bislan baa jirtoo baafiskeed ahaye
Gaaladu bukaan bay fidshaan amase baahshaane
Wax layidhi qofkii uu bar kado waa banjariyaaye
Wax layidhi bogsood malee qofkuu saro bowd yaha
Bari iyo galbeed dunida waa laga baqaayaaye
Iyagaana soo kala baxshoo boosta soo dhiga e
Aydhis bay ubixiyeen intay buuga galiyeene
Badbaaday ku faanan intay baca ku keenaane
Burmadkay wadaan wuxuu qabtaan baadi don ahaye
Goortii baqdaad iyo ciraaq baabah laga yeelay
Uu baaaruuda hugantiyo la dhacay bi em iyo hawsar
Uu birgedhadiyo jananadii belelka leefsiiyay
Iiraan inuu beegayuu soo banaan dhigaye
Marhadaan bahnimo iyo Islam cidi ku biiraynin
Bakistan waxoow daba gashaan baadi doon ahaye
Midkaloo bislaan baa jirtoo baafis keed ahaye
Bulshadeenu waxay jecel yihiin bararaf shaydaane
Cidaan biid u qabanaynin bay biliga saarane
Baabuurkii gala lama arkiyo biica kii wada e
Bidhaantena waa neceb yihiin mana bayanshane
Barashada itoobiya kadaran barafka jiilaale
Waxaan ugu buseelayno baan baadi doon ahaye
Midkaloon bislaan baan arkoo baafis keed ahaye
Somaliya ragbaa loo boqroo baalal loo xidhaye
Waatay inbada iyo inbadan ii budbudiyeene
Laba saniyo baaqay ahayd bogasha doodiiye
Watay is boox booxayen beri samaad kiiye
Badhtan keeda nayrobibay weli baryaayane
Badhedhahodu meshu qabtan badi don ahaye
Midkaloo bislaan baa jirto baafis keed ahaye
Butlanta iyo Somaliland midiba waa baabe
Xuduudna haatan waa kala bilaa laysma bashiro e
Bosaso laga keen daraan beernaxa aqoone
Baasha kalana laga keen raguu ciil ku baaridaye
Burjiga laaska nimankii lahaa waa bar kuma tale
Hadba dhinaca biil yari jiray daba baqoolaane
Waxa buriyey taladoodi baan baadi doon ahaye
Balka soo jawaab gabayga waan soo banaan dhigaye

Top


SIXITAAN

Intiinii akhrisatay wargeyska Haatuf cadadkiisii soo baxay maalintii arbacadii, ee 765 soona baxay January, 19, 2005, waxaanu idiinka cudur-daaranaynaa khalad madbici ah oo ku soo baxay Wargeyska Haatuf, warka cinwaankiisu ahaa “95 Arday oo Dhamaystay mac-hadka Hargeysa College”, kaas oo uu ku qornaa inuu halkaa ka hadlay C/Risaaq Maxamed Abuubakar oo mar wasiirka tacliinta u ahaan jirey dawladii Siyaad Barre, isla markaana ka mid ahaa dadka loo nisbeeyo inay gacan ka geysteen baabi’inta waxbarashadii gobolada Waqooyi ee xiligaa (Somaliland), hase yeeshee ninkaasi maaha ninka ka hadlay munaasibada kuliyadda Hargeisa College, balse waxa ka hadlay Xasan Cumar (Xasan Dheere) oo ahaan jirey muddo dheer macalin, isla markaana ay gacantiisa wax ku soo barteen kumanaan dad ah oo reer Somaliland ah, isla markaana waxa uu Cumar xubin ka yahay golaha baarlamaanka Somaliland. isagaana ka hadlay munaasibada lagu qabtay hudheelka Mingsing ee magaalada Hargeysa, arday ka qalin jabisay kulliyada Hargeysa College, maalintii salaasadii.

Top