Dufcadii Labaad Oo Ka Qallin-Jebisay SITCO College
Facts to keep in mind about Col.
Abdillahi Yusuf
Cismaan Caato Oo Ka Diggay Ciidamo
Shisheeye Oo La Keeno Somalia
Guudmar Taariikheed: Marxuum Yuusuf
Xaaji Aadan Qabile
Inaa-liaalhi wa inaa ileyhi raajicuun
Marag Iyo Xaq-Soor UCID Iyo KULMIYE
Speech by Eid Ali Ahmed
YUUSUF XAAJI AADAN: SHAMAC BUU AHAA
TAMARTIISII HURAY.
(1914kii – 2005ta)
Cali Khaliif Galaydh – Wareysi
Burco: Badhasaabka Iyo Maayarka Oo
Dadweynaha Kala Hadlay Fagaaraha Kheyriyadda
Madaxweyne Rayaale Iyo Wasiirkiisa
Daakhiligu
Miyey Isku Maan-Dhaafeen Ballanqaadkii
Degmo-Nimo Ee Tuullada Boon?
Qarax Bam Oo Lala Beegsaday Wefdigii
Xaqiiqo-Raadiska U Joogay Muqdisho Oo
Keenay Dhimasho Iyo Dhaawac
|
|
Dufcadii Labaad Oo Ka
Qallin-Jebisay SITCO College |
Hargeysa, February 18, 2005, (Haatuf): ugu
yaraan 144 arday ah ayaa ka qalin jabiyey kuliyada sayniska iyo
tiknoolajiyada ee SITCO, ardaydan oo baratay caluunta kala duwani waxay ay
noqonayaan dufcadii labaad ee ka qalin jabisa kulliyada, waxaanay wax
baranayeen muddo laba sannadood ah.
Kulliyada SITCO waa kulliyada keliya ee ka diiwaan gashan jaamacada
Hargeysa.
Xaflad loo sameeyey qalin jabinta ardaydaas oo xalay lagu qabtay hoolka
jaamacada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka waxbarashada,
xubno ka tirsan xisbiyada siyaasada, maamulka iyo macalimiinta kulliyadaas
iyo marti sharaf kale.
Wasiirka waxbarashada Xasan X. Maxamuud Gadhweyne oo ka hadlay
munaasibadaas ayaa sheegay inay wasaarada waxbarashadu albaab walba u
garaacayso sidii loo horumarin lahaa waxabarashada, isla markaana ay dalka
joogaan wefti ka socda maamulka Saddex jaamacadood oo dalka Sudan ah.
Laakiin wasiirka waxbarashadu isaga oo la hadlaya ardayda qalin jabisay
waxa uu yidhi. “ardayda caawa halkan shahaadada ka qaadanaysa waxaan
leeyahay yaanay noqon mid fadhiid ah, balse aqoontiinu waa inay noqoto mid
aad dalkiina wax ugu qabataan”.
Maamulaha kulliyadan Xirsi Cali X. Xasan oo isna ka hadlay munaasibadaas
ayaa ka waramay taariikhdii kulliyadan iyo sidii lagu aas-aasay. Isaga oo
arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “Waxa caawa halkan ka qalin jabinaya
arday tiradoodu tahay 144 arday oo bartay culuunta kala duwan, gaar ahaan
waxay barteen culuuntii debada loo tegi, waxaanay noqonayaan dufcadii
labaad ee ka qalin jabisa kulliyadan”.
Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ayaa isaguna ka hadlay waxaana hadaladiisii
ka mid ahaa. “anigu caawa waan faraxsanahay, haddii aan idiin sheego
sababtana waxa weeye, 1966-kii baanu mudaharaad dhigay, ka dib markii ay
ardaydii aanu isku fasalka ahayn waayeen dugsi sare, iyadoo aanay xiligaa
Hargeysi lahayn dugsi sare, laakiin mudaharaadkaasi waxay dawladii
Soomaaliya nagala hortimi xabad, wiil yar baana ku dhintay, hase yeeshee
markaas ayaa la noo dhisay dugsigii sare ee ugu horeeyey ee Hargeysi
yeelato, kaas oo ahaa Faarax Oomaar oo la odhan jirey xabad keentay.
Markaa caawa waxaan ku faraxsanahay halkii berigaa ay Hargeysa oo caasimad
ahi dugsi dhexe loo baryey in maanta jaamacado laga qalin jebiyo, waxaanan
farxadayda darteed leeyahay maah maah Nepal ah, taas oo ah ninka adiga oo
gaajaysan ku siiya Kaluun iyo ka ku bara sida loo kaluumaysto, midi maalin
keliya ayuu ku gaajo tirey, hase yeeshee ka ku baraa abada ayuu ku gaajo
tirey, markaa waxaan idin leeyahay aqoonta halkaa ka sii wada dalkiinana
wax u qabta”.
Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxa shahaadooyin lagu
gudoonsiiyey 144 arday, iyadoo uu wasiirka waxbarashada Somaliland Xasan
X. Maxamuud Gadhweyne gudoonsiiyey shahaadooyinka. Top
Facts to keep
in mind about Col. Abdillahi Yusuf |
Somaliland Times
Editorial Facts to keep in mind about Colonel
Abdillahi Yusuf
For those who are wondering about what the selection of Col. Abdillahi
Yusuf as the president of Somalia might mean, here are a few facts about
him:
Somalis who usually disagree on many things, agree on the colonel’s
inordinate lust for power, his murder of opponents, his disloyalty, his
ineptness, his fondness of conspiracies and his overall thuggery.
Many Somalis agree that every time one of his misconceived adventures
fails, others, usually some of his close associates, would end up paying
for his horrific mistakes.
Colonel Abdillahi Yusuf has always used foreign patrons to keep him in the
political game. Those who are wondering why he is insisting on bringing
foreign troops to Somalia should be reminded that this is nothing new for
the colonel, and he has always operated with the help of foreigners. They
also need to ask themselves, since he did not hesitate to use foreign
military logistics and hardware against his own kinsmen in Majertenya, why
would he not use such weapons, plus foreign troops against other Somalis?
Top
Cismaan Caato
Oo Ka Diggay Ciidamo
Shisheeye Oo La Keeno Somalia |
Nairobi, Feb 18, 2005 (Haatuf) – “Wasiirrada
waxaa la hor keenay talo aan loo dhammayn, talo niman la ordayeen, talo
madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhu ay mas'uuliyadeeda leeyihiin” Sidaa
waxa yidhi Cismaan Cali Caato oo u waramayey shabakad intertnet-ka wararka
ku faafisa oo magaceeda la yidhaahdo Waayaha.
Cismaan Caato waraysi dheer oo uu siiyey shabakadaas waxa uu ka dayriyey
ciidamo shisheeye oo la geeyo Soomaaliya, waraysigaas oo dhamaystiranina
waxa uu u dhacay sidan.
S: ugu horeyn, waxaa la odhan karaa dowladdan aad wasiirka ka tahay waa
loo dhanyahay ama 80-90% hoggaamiyeyaashii ururadii siyaasadeed waad ku
jirtaan, hadana waxaa la moodaa inay dowladdu kala socoto, marka maxaa
dowladda dhexdeeda ka jira?
J: Cusmaan-Caato: horta ereyga ugu horeeya lama odhan karo 80-90%, laakiin
waxaa la odhan karaa ma 60% baa, ma 40% baa, ma 30%, qolyaha jaraa'idkaa
waxay qabaan ee 100% ama 90% dadkii ururrada ahaa ayaa dowladda dhisay ma
dhisin. Xaggee ka dhiseen? Dowladda dhisani waa dowlad dhinac ah,
dhinacaasna dhibaatooyinka jira ayey ka mid yihiin, dowlad SRRC ah ayaa
dhisantay iyadana waxyaabaha lagu wada hadlayo iyo maalin walba
daldaloolku ka imanaayo ayey qayb ka tahay.
S: laakiin Cusmaan adigu kama aadan mid ahayn SRRC hadana waxaad tahay
wasiirka howlaha guud iyo guryeynta, dhinaca kale marka aad fiirso G8 waa
ka mid dowladda, sidoo kale SNC (Samata Bixinta) waa ka mid oo aad waliba
adigu xubin ka tahay, bal marka fasiraad ka bixi sidee bay dowladdu dhan
keliya u tahay?
J: Dowladdu dhan keliya weeye, dowladdu haddii Illaahay idmahayo waa SRRC,
bal aanu eegno inta shakhsi ee ku jirta dowladda ee SRRC ah dabeedna aan
qiimayno,Yaa kaga jira G8, yaa kaga jira SNC, yaa maqan? halkaasaa haddee
haddii Illaahay idmahayo ka helaysaa xisaabta een dhamays-tirkeeda
proportionally (qayb ahaan) sidaa ugu jirno oo ururradii iyo raggii la
yaqiin qaarkood mitaal waa maqanyihiin.
S: laakiin Cusmaan dowladda dad badan baa ka maqan, oo marka la fiiriyo
xataa SRRC-da aad hadda ku xaglinayso qudheeda rag badan oo ka mid ah baan
dowladda ku jirin, mugga dowladuna ma wada qaado nin kasta oo urur
taageera iyo inay wada galaan madaxdii ururrada marka haddi ay wakiilladii
ururad badankood meesha ka muuqdaan maxaad ku diidaysaa adigu?
J: dhab weeye laakiin haddee waxaa la rabaa tiro loo dhanyahay in la dhiso
lagana dhiso dowladda, dowladdu SRRC oo uu hogaaminayay madax-weynuhu
raggiisii waa ku wada jiraan, laakiin raggii kale kuma wada jiraan qaybna
kama aha, yaa ka mid ah SNC oo ku jira aan tirinno.....
Waayaha: dadkii magaca lahaa ama SNC ha ahaadaan ama urur kale ha
ahaadaanee tusaale ahaan yaa hadda ka maqan oo aad tebaysaa?
J: Xashaa Lilaa markaan nidhaahno yaan magacownaa, waxaan magacaabaynaa
Cali Mahdi baa maqan, waxaa maqan, mataal baan kuu sheegi iyo rag badanoo
kaloo la mid ah sow ma ahan haddii Eebbe idmahayo niman muxtarim ah.
S: haddii aan u soo noqdo waxaa jirtay beri dhoweyd adinkoo golaha
wasiirrada ah ah waxaad isla gaarteen, ama cod baa la qaaday ha la
yiraahdo oo sida la sheegay 80% waxaad isla oggolaateen in dalkii la keeno
ciidammo nabadeyn ah, marka adigu Cusmaan ahaan sidee baad u aragtaa
arrintaas?
J: anigu waxaan u arkaa, horta annaga oo Soomaali ah ayaan wax isku
darsanay, mar haddaan wax isku darsanayna wixii aan isku darsanay waxay
ahayd dee Soomaali nabad loogu soo celiyaa? wasiirrada waxaa la keenay
talo aan loo dhammayn, talo niman la ordahayeen, talo madax-weynaha iyo
ra'iisul wasaaruhu ay mas'uuliyadeedu leeyihiin, taladaas maxay bi'isay,
maxayse bi'in kartaa, maxay hagaajin kartaa? ciidanka la keenayaa yuu
yahay? waxaa naloo keenay ciidan la leeyahay waa safka hore, ciidankaa
safka hore ahna nin Soomaaliya ama rag Soomaali ahoo damiir lihi u malayn
mayo inay ugu yeelayaan wadamada qaarkood kaalaya ka qayb gala oo Soomaali
wax ka xaliya, marka waxaad moodaa halkaa in arrinka meel laga la dhacay
oo haddaan ciidan u baahannahay markaan taladeeda isku raacno inaan
markaas beesha caalamka warsanno ciidan aan waxba na yeelayn, marka anigu
aragtidaydu waa taa.
S: mayee adigu Cusmaan ahaan ma safka hore keliyaad diidadntahay,mise
sideeda ahaanba waxaad ka soo hor jeeddaa in ciidan oo dhan la keeno?
J: Cusmaan ahaan waxaan ka soo hor jeedaa safka hore kow, waxaan ka soo
hor jeedaa qolyaha kale ee aan ku tilmaano een.. ciidanka....laakiin lama
diidayo wixii dadka Soomaalidu dan u arkaan markay tashadaan, oo wax iska
yidhaahdaan,... markaa haddee ku qabatay waa la qaataa laakiin safka hore
isagu xisaabtaba kuma jiro, safka labaadna een beesha caalamka ciidan
nooga imanayaa inaa ka tashanaanna waa wax waajib ah, markaan ka
tashananna inaanu kala xulanno inta noo daran, inta aan wax na yeelayn,
wixii wax na yeelahayana aan iska dayno,wixii aan wax na yeelayn aan haddi
Illaahay idankii leeyahay aan ciidan warsanno markii ay Soomaali ku
heshiiso ama go;aan ka gaarto.
S: Cusmaan waxaad ku jirtaa ragga ugu waayo aragnimmada dheer marka la
eego xaaladda siyaasadeed ee uu dalku ku suganyahay, intee jeer baa wax la
dhisay oo wax socon waayeen, marka ma u malaynaysaa in annagoo Soomaali
keliya ah inta aan wax dhisanno wax qabsan karno oo ciidan ka maarmayno?
J: aad iyo aad baan rajo weyn uga qabaa in..ay.. noo suurtoobayso marka
aan annaga oo niyad wanaagsan talo Soomaaliyeedna wadana aanu meel marinno
in dadka hubka laga dhigo, mataal dadku waxay joogaan labo marxaladood oo
kala duwan, marxaladi waxaa weeye hubka laga qaadahayo een.. mathaal
Benaadir oo kale, Benaadir waxaa isku dayay dowllado, dowladahan
Afrikaanka ah ka xoog weyn wixii ay keeneenna waxay ahayd guul darro iyo
halaag ay ka dhaxleen dadka Soomaalida ah, markaa, marxaladda kowaad
Benaadiroo kale waxay u baahantahay in hubka si Soomaalinimo ah isaga
qaado lana meeleeyo lana dhigo store, marxaladda labaadna waxay tahay
marka aan soo gaadhno oo Benaadir ee ay soo gaadho marxaladda ay marayso
Puntland oo hubkii iaydu store-da dhigatay, markaas ayaa waxaa loo
gudbayaa marxaladda labaad ee ah in hubka muddo iyo maalin lagu balamo la
qaado meelna la dhigo laakiin haddii la yidhaahdo nin ajnabi ah oo askari
ah oo qori wata ayaa nin Soomaali ah isku dayay inuu qori ka qaado haddee
taasi, wixii hore iyo waayo aragnimmadayadii hore waxba lagama
faa'iidaysan mana meel mari karto, waayo aragnimadeenna way na bartay
waana na faraysaa.
S: Cusmaan waxaad tijaabo ku soo samaysay wax badan, oo xataa waxaa la
sheegaa in ninka hoggaamiyaha ah aanu ciidammada kooxdiisa xukumin oo
waliba mararka qaarkood talad faraha ka baxdo adinka laftiin oo qoys hoose
waliba laysu laayo, markaa haddii ay taas oo walib qoys hoose ah aad wax
ka qaban weydeen sidee bay u suuro gelaysaa tan aad hadda sheegayso?
J: taasi iyada oo jirta innagu Soomaali baan nahay inaan hubka iska qaadno
maantay waayo aragnimo iyo bisaylo badan oo muujinaya ayaa jira,qolo
hoosaadkaas aad sheegayso iyo kuwa ka sii hooseeya labaduba, waxaa la
yidhi Wanku cirku wuxuu arkaa marka la gowraco, anigu waxay ila tahay
dadka Soomaalidu waa diyaar..ee in hubka la dhigana waa la rabaa, ee ma
khasaaro badan iyo dhibaato miyaa hubka lagu dhigayaa mise waxaa lagu
dhigayaa caqli iyo talo wanaag way jirayaan qaar dagaalami doona haddii la
yidhaahdo qoryaha dhiga, laakiin waxaan hubaa mar walba waxaa khasaaro
yaraanhaya dadka Soomaaliyeed hubka inuu iska dhigo, waan hubaa in qaar
naga soo hor jeesanayo laakiin markaad 95% ka dhigto shani haday kaa soo
hor jeesato inta kalaa qabanaysa, laakiin 100% bulshadaas hubaysan markii
ciidan aanay is aqoon aanay diyaar u ahayn ay sika hor yimaadaan waa ha
lays dilo oo keliya, ma ahan wax xal keenaya, cidda hadda xal taa u
aragatana waxbaa ka khaldamay ama ka khaldan.
S: haddii aan ka gudbo arrinta ciidammada guud ahaan dowladdiina waxaa
shacabku idinku xantaa inaad kala socotaan oo aydaan is ogeyn, marka
maadaama aad tahay wasiir ka mid ah dowladdi maxaad ku fasiri lahayd
muuqaalkaas laydinka arkay ama aaminsanyahay?
J: Ereygaas ah isma ogidin, meesha ayuu ku jiraa, marka aan dhab wax isugu
sheegayno, waxaanu leennahay madax-weyne, waxaanu leennahay prime minester,
iyaga ayaa laga rabaa in dadka aan is ogeyn,mithaal golaha wasiirra iyo
barlamankain la war geliyo lagana doodo waxan keenay inaan lays ogaan ay
qoloba shaqo ay horteeda ugu dhaqaaqdo.
S: Ma tilmaami karaysaa qaab aad is leedahay wada shaqayntiiny way ku iman
karaysaa?
J: koley is maqal iyo is qaderin waa tallaabada ugu horeysa ee ay wada
shaqaynteenna ku imaanayso, waxaanan hubaa taa marka la gaadho ciddii
khaldanayd waa soo toosaysaa haddii Illaahay Iidmo.
S: Socdaalkii Af-hayeenka barlamanku ku tegay magaallada Muqdisho dad baa
wax ka sheeg-sheegaya oo dhaliilsan marka adigu sidee baad u aragtaa?
J: wallaahay sheg-sheegidda dadka ninba meel baa bugta, laakiin SHarriif
Xasan SHeekh Adan waxaan hubaa tegiddii uu tegay Xamar,ee meelo badan oo
kala duwan buu tegay, war jacayl mooyee dowladdu tallaabadii ugu horeyday
ee wax ugu qabsomeen ninka qaaday inuuu yahay ayaa halkaa ka muuqata,
markaa dadku nin wax waa diidi karaa, nin si bay wax ula ekaan kartaa,
SHarriifku Dekaddii ayuu tegay, Airport-kii ayuu tegay, Villa Soomaaliya
ayuu tegay, waxaanay ahayd seddexdii meelood ee ugu muhiimsanaa ee magaalo
madaxda meeshii dowladdu ay u guuri lahayd, meel walba dadkii joogay ee
Soomaaliyeed aad iyo aad bay u soo dhoweeyeen, ninka marka ama shakhsiga
maanta leh SHarriif-ku wax sheeg buu leeyahay warkiisii, middaas inaan u
jawaabo oo aan wax ka sheego meesha kuma jirto, laakiin waxaanu leenahay
haddii madax...ninkii laga rabay inuu tago madaxweynuhuu ahaa, ninkii laga
rabay inuu ka sii horeeyo Prime Minester-kuu ahaa, raggii laga rabay
inaynu ka sii horeyno annaga (golaha wasiirrada) ahayd, haddee libtaa
SHarrifku keenay waa maashaa Allaah,waxaana rajeynayaa inay ku qancaan
qolyihii wax yaroo gunuc-gunuc ah ay galeen.
S Cusmaan hadda adiga Xamar ciidamaa kaa joogaa, marka qiyaas intee la
baad qiyaasi kartaa inay kaa yeelayaan haddii aad amarto adigoo halkaan
jooga inay kaa yeelayaan amarkaas?
J: dhab ahaan qolyaha Jaraa'idku liidmo ay liidayaan hoggaamiyeyaashu
waaba iska jirtaa taasi, hasa yeehsee inshaa-Allaah waxaan rajaynaynaa
annagoo halka joogna inaanay dhicin waxaas ha la qabto inaanu ku talo
bixinno, ee annagoo raggeennii la joogna inaanu talooyinka loo baahanyahay
inaanu siinno waxaana filayaa in ay fulayso taladaasi haddii Illaahay idmo.
S: kalsooni intee le’eeg baad ku qabtaa in haddii aan ciidammo la keenin
aad dowladdiina dalkii dib ugu noqotaan oo dhalinyarada hubaysan intaad
hubka ka dhigtaan aad si buuxda u degtaan?
J: horay baan horta warkaas jawaab kaaga siiyay, hase yeeshee haddii aan
hadda aan sababee isku dayo waxaan rajaynaynaa haddii Illaahay idmo marka
dadkii Soomaaliyeed ee dowlad la'aantu haysay aan inta u qalab
qaadanno,dowladdu ay u qalab qaadato ay aaddo iyadoo madax-weynaheeda,iyo
ra'iisalwasaaraheeda, iyo ra'iisal barlamankeedu hor socdaan yidhaahdaan "dowladdii
baan nahayee na aqbala" dhulka ayaa laga qaadayaa, waxaana rajaynayaa in
maalintaas aad joogto oo aan joogo , waxaana ragga ku boorinyaa anaa ogoo
fuleynimo nama hayso laakiin waxaan nahay biyo diid aanu biyaha qayga ah
waxaa ka shisheeya biyo miir ah si aan u gaadhno biyahaa miirta ah waa
inaanu derdernaa biyahaa qayga ah.
S: Hadda waxaa jira niman aad dowladda ku wada jirtaan oo leh itoobiya
waxay ka mid ahayd dowlladihii shirka wax ka waday, waana is baranay
khaladaad horay loo kala fahamsanaa baa jiray, laakiin hadda waxaad moodaa
khaladaadkaas inaan isaga soo dhowaanay, waxayna taas ku sababaynayaan
howlihii ay shirka ka qabatay, marka haddi ay ragga aad xukuumadda ku wada
jirtaan qaarkood sidaas qabaan adigu maxaad ku salaynaysaa diidmadaada
ciidammada Itoobiya?
J:.Itobiya dowlad aan jiraan nahay weeye, dowlad aan Afrika ku wada
noolnahay weeye, Itoobiya naga maarmi mayso kana maarmi mayno, laakiin
itoobiya ilaa aanu aaminaad badan aan is aaminno, ilaa ay Itoobiya
qaarkeen bay saaxiib gaar ah la tahayeeay saaxiib la wada noqonayso dadka
Soomaaliyeed dhammaantood waxaanu leenahay hadeed tallaabbadii la soo
qaaday iyo dadaalkoodii iyo meesha aan maanta ku jirnaa waxbaa dhimman
heshiis dhamays-tir ah, is aaminaad dhamays-tiran sidii aan ku gaadhi
lahayn waxbaa dhimman tegitaanka iyagu ay tegayaana ee cudur mooyee hadda
waqtiga xaadirka ah caafimaad ma keenayso, hadaad cudur inaa keenayso
laguu arko adiguna waa inaad isku aragtaa, ee itoobiya kala maarmi maynee
aanu horta is aaminno waxna isku darsanno sidaasna aan ku wada noolaanno
haddii Illaahay idmo.
Top
Guudmar
Taariikheed: Marxuum Yuusuf Xaaji Aadan Qabile
Inaa-liaalhi wa inaa ileyhi raajicuun |
Marka hore waxaan halkan tacsi uga dirayaa
eheladii, qaraabadii, iyo guud ahaan ummadaha Soomaaliyeed meel kasta oo
ay joogaan, aniga oo uga tacsiyadaynaya geerida naxdinta leh ee ku timi
Halyeygii weynaa, aabihii labaad ee waxbarashada ummadda Soomaaliyeed
Marxuum Yuusuf Xaaji Aadan Qabile.
Illaahay ha u naxariistee marxuumka oo aan taariikhdiisa lagu soo koobi
karin xaashiyo tiro yar, waxa uu ahaa taariikh dhan oo dahabi ah, waxaana
uu ahaa halgamaa weyn oo ka soo qayb qaatay halgankii waxbarsahada, kii
siyaasadda iyo xabadda intaba.
Waxa uu marxuumku ka mid ahaa ashkaastii tirada yarayd ee aasaaska u
dhigay tacliinta ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu ahaa halyey wax badan u
soo qabtay dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa intaba.
Marxuumka oo kulankii u horreeyay uu magaalada London nagu dhex maray
sanadkii 2001kii mar aan isku dubarrid iyo dib u habayn ku samaynayay buug
dhawaan soo bixi doonaa oo ka warramaya taariikh nololeedka marxuumka,
ayaa waxa uu marxuumku ahaa shakhsi nuuraya oo aad u degan isaga oo aad u
da'ahna weli xiisaynayay inuu aqoon sii korodhsado, waxaana uu ahaa
shakhsi tacliinta aad u jecel oo aan akhriska marnaba ka daalin marnaba.
Haddii aan dib u yara jaleeco maalmihii qadhaadhaa ee Marxuumka iyo
kooxdiisu ay ku jireen halganka waxbarashada, waxaan marnaba xusuustayda
ka bixin sheeko uu Marxuumku iiga sheekeeyay taasoo uu yidhi:
"Anaga oo dhawr macalin ah oo arday door ah ku hayna iskuul yar oo Berbera
ku yaalay ayaa xilli subaxdii ah oo waagii soo iftiimayo waxaanu jimicsi
ciyaarsiinaynay ardayda, markaasaa waxaa noo yimi dhalinyaro budad iyo ulo
wadata oo ay noo soo direen odayaasha iyo wadaadii Berbera joogay oo dad
suufiyo ah u badnaa, tacliintana gaalnimo u haystay, waxaana ay
dhalinayaradaas ku yidhaahdeen bal ordoo soo eega waxa ay gaaladii
ardaydii barayso, iyaga oo markaas anaga gaalo noo yaqaanay, markaasaa
kooxdii dhalinyarada ahayd ee budadka iyo ulaha wadatay waxay arkeen anaga
oo ardaydii jimicsiga ciyaarsiinayna, jihada Bari ayaanay aradydu u sii
jeedeen, hal mar ayaa dhalinayardii ulaha iyo budadka wadatay ay nagu soo
yaaceen oo gawda naga saareen, iyaga oo iska dhaadhiciyay oo mooday in
ardaydii jimicsanaysay ee xaga Bari u jeeday ay cadceedda caabudayaan,
halkaas ayay arday tiro badan iyo macalimiin uu Yuusuf ku jiro ay ku
dakhreen, nabarrana u geysteen"
Alle ha u naxariistee maalin kale oo maalmahaas qadhaadh ee Yuusuf iyo
Halyeeyadii kale ee la midka ahaa ay soo mareen waxay ahayd, Yuusuf iyo
Maxamuud Axmed Cali rabbi ha u naxariistee ayaa goor salaad duhur ah waxay
soo galeen cariish yar oo masjid ahaa oo Berbera ku yaalay, oo markaasuun
salaadii la isu taagay oo la aqiimayo, iimaamkii masaajidka ayuunbaa mar
kaliya waxa uu isha qac ku siiyay Yuusuf iyo Maxamuud Axmed Cali oo safka
xagiisa danbe taagan, intuu imaamkii kor u qayliyay ayuu yidhi waar waa
maxay labadii gaal ayaa idinla tukanayee, ninka carruurtiisa nimankaas u
geeya ee yidhaa wax ii bar, ha ogaado waa gaale, naaguhuna way ka
furmayaan qofka carruurtiisa nimankaas u geeya, waxaanan idin leeyahay
nimankaas iska jira maaha soomaaliye, diirka uun bay inaga mid yihiine,
ayuu yidhi Iimaamkii, markiiba mid dadka tukanaya ka mid ahaa ayaa
hadalkii iimaamka gabay u rogay, waxaana erayada gabaygaas ka mid ahaa "Soomaali
uun bay yihiin haw salaamina e" Sidii ayay misaajidkii looga saaray Yuusuf
iyo Maxamuud Rabbi naxariistii Janno ha ugu deeqee.
Alle ha u naxariistee Yuusuf Xaaji Aadan oo aan Soomaalidu u abaal gudin
isaga iyo kuwii la midka ahaa toona, waxa uu soo maray dhibaatooyin badan
oo aan lasoo koobi karin, waxaana aan la ilaawi karin maalmihii murugada
lahaa ee dalka ay ka talinaysay xukuumadii haligantay ee Siyaad Barre ayaa
waxa uu Xaaji Yuusuf oo Xamar joogay uu mar dalbaday in Hargeysa loo
badalo, maadaama uu reerkiisu Hargeysa degenaa, qof weyna uu iska ahaa oo
uu doonayay inuu carruurtiisa ka ag dhawaado, waxaana uu codsaday in xataa
hadii shaqo ahaan looga maarmi waayo in Guriga Hidaha iyo Dhaqanka ee
Hargeysa oo waagaas la dhisay uu ka shaqayn doono.
Nasiib Darro Yuusuf Codsigaa waxa ka diiday mid ka mid ahaa kuwii Kacaanku
kabaha u galiyay oo bilaa dhaqan ahaa, dadnimaduna ay ku yarayd oo ahaa
Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare, isaga oo Yuusuf ka murugaysan diidmada
ninkaasi u diiday in Hargeysa loo badalo ayaa waxa kasoo hor baxay Abwaan
Gaarriye oo markaas Muqdisho joogay, waxaana uu Gaarriye markiiba yidhi
Adeer Yuusuf Maxaa ku helay ee aad la murugaysan tahay? Yuusuf ayaa
arrintii isaga iyo wasiir ku sheega dhex martay u sheegay, waxaana waliba
Yuusuf uu yidhi Gaarriyoow bal kan Siyaad Barre ee Madaxweynaha ah ayaan
ninkan ka askatayn, Gaarriye ayaa aad uga gubtay ugana xumaaday sida
Yuusuf oo ah Halgamaa weyn loola dhaqmay, waxaana uu Gaarriye Yuusuf u
sheegay inaanuu Maxamed Siyaad Barre u tagin, maadama uu Siyaad yahay
ninka wasiirkan keensaday ee xilka u dhiibtay.
Waxaana uu Abwaan Gaarriye isla madashii ka curiyay gabay uu Yuusuf ugu
sheegayo in uu samrro oo mar uun abaalkiisa la gudi doono, waxaana uu
Gaarriye gabaygaas ku sheegay inuu Halgan gali doono dagaal qadhaadhna uu
la gali doono nidaamkan cadaalad darrada ku dhisan ee Maxamed Siyaad uu
hogaaminayo, waxaa kale oo Abwaan Gaarriye uu gabaygiisa ku sheegay,
markuu halgankaas ku guulaysto in Yuusuf iyo raggii la midka ahaa ee
halyeeyada ahaa loo abaal gudi doono, sidii ayaana Abwaan Gaarriye ku soo
talaabay kana hogaamiyay dagaalkii xaq u dirirka ahaa ee lala galay
nidaamkii faashiga ahaa ee Maxamed Siyaad hormuudka ka ahaa.
Markii uu halgankii sii laba laxaadsadey, abwaan Gaarriyena suugaantiisu
ay dadkii kicisay ayuu Yuusuf Xaaji Aadan Gabaygii Gaarriye kaga jawaabay,
gabay aad u xiiso badan oo uu ugu mahadnaqayo sida geesinimada, wadaniyada
iyo damiir wanaaga leh ee uu gaarriye ugu dhiidhiyay dhibta Yuusuf loo
geystay.
Waxaan jecelahay inaan idiin soo gudbiyo qaybo ka mid ah gabayadaas iyo
taariikhda Xaaji Yuusuf oo ku jirta buug aan wali l dhamayas tirmin, oo
isku dubarridkiisa iyo habayntiisa aan ka qayb qaatay hadii aan ogolaansho
ka helo qoyska Xaajiga oo imika buugaas gacanta ku haya.
Ugu danbayn waxaan mar kale Ilaah uga baryayaa inuu Xaaji Yuusuf Aadan
Qabile Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, eheledaii iyo dhamaan ummadaha
soomaalida ahna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.
Kaysar Cabdilahi Top
Marag Iyo
Xaq-Soor UCID Iyo KULMIYE |
Afeef:
Ma ihi xubin ku jurta xizbiyada ku hirdamaya Qaranka S/L, mana ihi siyaasi
ruug-cadaadiya oo taxliiliya midiyaha laysu tuntey, mana ihi Qoraa og
cilmu qaybka & waxa uurka ku jira, waxaanse soo ban-dhigayaa, maragna ka
furayaa dhacdooyinka laysku dhaliiley iyo sida looga jawaabey fikradeyda
xaddidan.
Hordhac: Nin Durbaan Tuntey Ilaaq dalbey:
Horta marka hore salaan iyo gobonimo dheh wada hadalka iyo sida laysku
shaafiyey, marka labaadna xeelad Siyaasadeed iyo xeel dagaal dheh, marka
xigtna Ninkii Durbaan Tuntey Ilaaq iyo eed dalbey, ee Xizbiyada Qaranka
iyo hogaamiyayaashoodu ha u adkeystaan haddii la dhaliilo ma turxaan laga
tirsado ileyn iyagaa hormood noqdey oo dadka hor galay, haddii ay dawladda
hormoodkeeda iyo xukunkey maanta ku taameyso ku dhaliilayaan, iyagana
toosintii iyo garab galkii haddii laga waayo dee waa lasoo tuurtuuri.
Marag iyo Markhaati:
Wax isweydiini ma xumee, ku jiqsii iyo yuusan dhagdhagaagin ayaa daran.
Kadib markii Xizbiga UCID lagu eedeeyey arrimo dhawr ah oo runtii dadweyne
badani dushaa ka dhawrayeen, inta aan xizbiyada ku jirrin ee aan helin
warkooda iyo dacaayadaha xizbiyadauna ay saxaafada ka akhrinayeen, waxay
maqaalkii (UCID is cadee??) u qaateen mawjad cusub oo siyaasadeed, taas oo
ka turjumeysa suaalo indhahu hayaan oo u baahan jawaabo, haddaanu qoraagu
ku nuuxnuuxsan eedeynta iyo abaarka shakhsiyadda faysal ee uu xizbiga iyo
daldaloodaloodiisa sheego waxa la odhan lahaa- haku jiro Kulmiyee- waa
suaalo loo baahan yahay, haddana waaba laga soo jawaaboo qoladii UCID ayaa
qalin iyo Diirad ku ifiyey meelihii turxaanta laga sheegey, haddaba maku
qanacney inteena aan Xizbina ku jirin ma ku jiree daacada ka ah caddaaladu
jawaabahaasi UCID mise weli waanu goconeynaa??
Haddii runta aan laga fogaan, shakhsi jacaylka iyo kanbaan ku jiraa laga
saaro waan ku farxay Jawaabtii UCID, dhinacyo badan markaan ka eegeyna
waxay ila noqotey iney Siyaasadoodu u dhaw dahay danta guud iyo
Hurumarinta S/L., Taas oo la odhan karo wey ka roonaadeen iney noqdaan
Xizbi Mucaarida uun, balse waxay u gudbeen Taagero iyo wax-qabad la arki
karo oo miyi iyo magaalaba leh.
Siyaasadda iyo Maran-habaabinteeda:
Midse ha iloobin, Qoraalada, hadalada fagaarayaasha ee siyaasadeed, sidoo
kale bayaanaadka mawqifyada ay in ay noqon karto xeel dagaal ama waxa
loogu yeedho ( istihlaak maxali ah) ama quudinta nolol maalmeedka
taageerayaasha xizbi kasta uu muruqyadiisa ku muujinayo arrinkaasi heerka
uu ka taagan yahay isagoo taageero iyo kasbasho kaga doonayo xubnihiisa
iyo kuwa uu markaasi wax ka damacsan yahay, waaqica iyo dhacdooyinka
isbaddelkoodana aaney hadaladaasi waxba ka qaban ama aaney ka muuqan.
Taas macnaheedu miyey tahay Siyaasi kastaa Been ayuu sheegayaa?, Jawaabta
idinkaan idiin daynayaa oo nolol maalmeedkiina ku arki doona. Hase yeeshee
midhka in la xuso mudani wuxuu yahay; in taas lafteeda (Suq geynta
afkaartka Siyaasadeed) ayaa lagu kala dhiiran yahay oo midna wax suurto
gal ah iyo midaan suurto gal ahaynba wuu sheegayaa, midna wuu is
husbsanayaa maxaa kaaga soo baydhi doona,barri miyaa laga daba qaadan?,
Marxaldan lagu jiraa intey qaadan doontaa si aanu isu bedbeddelin si
dhaqso ah,Taas oo ay hore u yidhaahdeen (Siyaasadu Saxiib joogto ah mal
aha ee Maslaxad joogto ayey leedahay), ma runbaa? Haddaba kaadso oo dib u
joogso Siyaasigow intaanad husbsan meesha marinkaagu noqon doono.
Qiimeyn gaaban:
KULMIYE wuu ku guuleystey inuu soo saaro dhammaan dhaliilaha kor iyo
hoosba u jira ee Xizbiga UDUB, geed dheer iyo geed gaabanna wuu u korey
soo dhaac bixinteeda, wax jira iyo qaar la buunbuuniyeyba, weliba
xubnihiisa qaar waxaad moodaa inaaney ahaynba qaar kasoo jeeda S/L ee ay
duminteeda iyo ciida afka u darayaan jiritaankeeda, markey noqoto wax
ayaga taladooda kasoo hor-jeedda- cirkaana ha tagtee, ama sidey
yidhaahdaan Garmalna ha qabsadee- ciidana ha cuntee Nimankan meesha
hallaga qabto Ereygoodu kusoo afshubmayo, Taas oo aaney kala saarin
Guulaha S/L u soo hoyotey, cidda keentey oo ay ka meereystaan sheegideeda
iyo haddey Bisadi hilba xado iney UDUB ayaa Bisadda lahaa ku eedayaan,
xataa haddey Kulmiye u gasho Bisadaasu, waxase aan hubaa ama aan og ahayba
iney ku jiraan Xubno hufan oo ka sarreeya arrimaha shakhsiga ah, kuwaas oo
majrahoodu yahay Taladu haddey gacanta noo soo geli lahayd sidaasaanu
sameyn lahayn, Taas oo lagu yaqaano Xizbi kasta oo Mucaarid ah Caalamka,
ha bataan ama ha yaraadaane xubnahaas Kulmiye waa laga Af iyo aragti batey,
saxaafada, fagaarayaasha iyo Bayaankooda laga akhrisan karaa inuu Kulmi
sidan wada yahay, mar haddaan is qabasho, ka daba hadal iyo isu caqli
celin dhexdooda aan lagu arag. (Dhammaan Kulmiyaanu nahay, mana mettelno,
haddana Mujaahidiinta ayaan lala hadlin, inta kale waa faqash, inta kale
waa daba dhilif, Soomaaliweynbey wadaan, waddankii waa la majara
haabaabiyey,…..) oo laga waayey wax-qabadka Dawladda ciddey doonto ha
ahaatee iney wax ka geeystaan, mise waxay sugayaan intey taladu gacantooda
soo galeyso, oo markaa haddii sidooda lagu qayliyo keligood wax ma qaban
karaan talow?
Erey aan u sii raaciyo KULMIYE, Kumuu guuleysanse inuu xataa Xizbiyada
Mucaridka ah meel uuga soo wada jeestaan arrimo badan oo xasaasiya oo ay
ahayd iney ka mideysnaadaan, ama aaney sii buunbiinin iney Abuuraaniska
daaaye, Ileyn cidda dhooqoobeysaa waa isla innagiiye, haddaan fursad u
helana waan soo tirin, bal iney xubnahooda dhiirani kasoojawaabaan oo
turxaantaa badan ee Kulmiye ka jawaab bixiyaan.
UCID Miisaanka uma saarayo sida KULMIYE waayo isagaa la dhaliiley, kadib
markii la yidhi is cadeena waxa kasoo Jawaabey Abdillahi Mohamud (UCID
wuxuu u dabran yahay Danta guud), weliba 3 qodoba wuu noo xog warramey,
Maqaalka kalena waxa soo qorey Xoghayaha Guud ee UCID Ahmed Muse Geedi, oo
midna qodob qodob uuga jawaabey, midna xogta hosoe iyo guudmar ah ayuu soo
saarey(inkastoo Xizbi kastaaba xaq u leeyahay difaacaa , haddana Ereyada
kulul iyo kuwa guud marka haba ku jireen, si kale loo dhigi karayey),
waxaanse leeyahay; UCIDEY meelo kalaa shaqo kaa sugeysa ee Xizbiga
Dawladda iyo kann kula mucaaridka ah haku dhex dhiman ee dantii iyo xilkii
Qaranku kuu dhiibtey dib u jaleec, haddey Siyaasadiinu dhinacyo badan
tahay, meelo badan ayaan Jawaabo laydinka haynin, Maxaad u qabateen
danyartii?, ma difaacdeen Dulmiga dhacaya?, mase u tafaxaydan tihiin weli
dantii guud iyo hayaaydii aad ku bilowdeen taas oo toosisey qaar badan oo
hurdey, kana kicisey fadhiga si ay maruun u arkaan idinkoo Difaacaya
dan-yarta iyo Maxaysatada, Maatida iyo inta aan cid u hadashaa meelna ku
lahayn. Intaasna waxaan idiin raaciyey inaaney idin jeedin Siyaasadda ah (ku
jeedi tan oo haka mashquulaan taasi, ama lafta laydiin tuurayo iyo
Siyaasiyiinta sida ganbo-yarta u garramaya).
Ugu danbeyntii waxaan shakhsiyan qirayaa, ineynaan haysan Dawlad dhameys
tiran oo aynu ku mucaaridno, sidii kuwa Yurub ee aad kasoo dheegataan
mucaarid-nimada, Waar maynaan gaadhiney cagta inoo dhiga, hase yeeshee
kolba inteynu haysanno aynu wax ku qabbano, ciddii wax waagsan qabatana ku
raacno-ciddey doonto ha ahaatee, kii qaladka iyo meel kale luquta u
ridayana aynu iska qabanno, hadduu xizabaaga aad ku jirto xataa yahay,
taasi waa Waddaniyad iyo toosinta saxda ah.
Midna waa iga dardaaran anniga oon UDUB difaacayn:
Sidaa daraadeed, Adeer KULMIYOW Mucaaridnimadu dumin maaha ee waa dhismo
iyo taageero dhisitaan, ka ciidee ma aha ee waa aan kugu daarto, ka
baqkhtii ma aha haba weydee, ee waa usii ifi hayna wada gaadhee, kolley
maruunbuu kusoo gaadhi kursiguye, bal waxyar is dhig meesha UDUB, oo dheh,
haddaan UDUB ahay talow Mid sidaas ii daba gala oo waxaan qabtaba ceebeeya
miyaa laygu salladi, mise mid aan waxna wadaagno waxna isku diidan nahay
ayaan heli sida UCID, soomaaliduna waxay tidhaahdaa (ama afeer hore lahow
ama adkeysi danbe,) Booraan haddimo ha qodin haddaad qoddana ha dheereyn,
ku dhici doontaana mooyee).
Sidaas iyo Gobonimo iyo guul Allaah ha ina siiyo.
Cada Dhegeyweyne
Maanta Ma Yaalo Xeer Ja-Jab Ee Dalka Waxa Badbaadinaya Dastuurka
Tan iyo markii ay golaha wakiiladdu ansixiyeen xeerkii mudada dheer laga
dhur-sugayey, waxa jiray Hadalo iyo qaylo dhaano ka soo baxayey
masuuliyiin sar-sare oo iskugu jira shirgudoonka golaha wakiilada, qaar ka
tirsan golaha wasiirada, gudida doorashooyinka iyo dadweynaha Somaliland-ba,
kuwaas oo ka soo horjeedda xeerkan cusub ee ay ansixiyeen labada gole ee
xeer-dejintu, iyagoo ku sababaynaya inaanay wakhtigan xaadirka ah dhici
karayn doorasho (One man one vote) ah.
Haddaba, hadii aynu isweydiino muxuu yahay xeerkan doorasho ee ay
ansixiyeen labada gole? Runtii waa xeerkii ugu muudnaa, ugu cadalaad
badnaa ugu dastuuri-sanaa ee la ansixin lahaa, kumana jiraan qodobo ka
hor-imanaya dastuurkeen, labada qodob ee dadweynuhu ka biyo-diideen waa
tiro-koob iyo inuu dalka oo dhan ka wada hadlo. Hadii aynu soo qaadano
qodobka diwaangelinta iyo tiro-koobka waa qodobo dastuuri ah oo aan meel
laga maraa jirin, laakiin wuxuu u baahan yahay in la isla meel-dhigo
waqtiga iyo sida loo samaynayo tiro-koobka. Iyadoo aynu ognahay inaanay
doorasho dhici karayn xilligii loo mudeeyey oo ah 29-ka March 2005,
waxaynu ogsoonahay haddii maanta la yidhaahdo hala bilaabo sidii ay
dadweynuhu ugu dareen lahaayeen doorasho dhacda wakhtiga ku xusan inaanay
suurto galayn, marka waxkasta oo kale laga heshiiyo.
Sidaa darteed waxa markasta loo baahan yahay in wakhtiga la kordhiyo,
intii la doono halaga dhigee. Haddaba waxay ila tahay inaan khaladkii hore
inoo soo daashaday ee wakhtigii hore inaga lumiyey oo kale inaan dib loogu
noqon, waxaan ula jeedaa hadii waqti la kordhiyo oo hadana la yidhaahdo
xeerkii doorashada ee cusubaa ee labada gole ansixiyeen laguma dhaqmi karo
shantan sannadood ee hore, ee meel inga dhiga, oo geeska inooga soo saara
xeer maxlal ah oo qodobkiisa saami-qaybsigu uu yahay in gobol walba wax
loo qoondeeyo waa arin aan suurtagal ahay, waxaana la jabinayaa dastuurka
aynu dhiganay. Mar hadii ay muddo kordhin inoo tahay waxa wanaagsan in
mudadaa la kordhiyey lagu dhameeyo tiro-koobkii, diwaangelintii iyo kala
xadaynta gobolada iyo degmooyinka. Taasi oo ay markaliya noqonayso xeerkii
doorashada ee dastuuriga ahaana uu hirgeliyo, iyadoo aan la jebin
dastuurkii dalka. qodobka kale ee ah doorashada ha ka dhacdo gobolada oo
dhan, waxaan leeyahay Somaliland waxay leedahay xuduudo caalamiya oo la
wada aqoonsan yahay, xuduudahaas oo ah kuwii ay inagaga tageen
guumaystayaashii reer Yurub, xuduuduhuna sidiisaba ma guur-guuro lamana
rari karo.
Haddaba gobolada Sool iyo Sanaag bari tiro-koobka iyo diwaangelinta waxa
laga samaynayaa meelaha ay suurta-gelayso in laga sameeyo, meelihii aanay
suurto-gelayna waxa lala sugayaa wakhtigii ay suurto-gasho. Ciraaq oo ugu
dambaysayba doorashadii kamay wada dhicin, dadka qaar baa u haysta in
hadii ay doorasho ka dhici weydo Sool iyo Sanaag bari ay Somaliland ka
go’ayaan, waa wax aan caqliga geli karayn, waayo Sool iyo Sanaag bari
waxay ku jiraan xuduudaha lama taabtaanka ah ee Somaliland, doorashadana
waxa laga qabanayaa markii ay suurta gal inoo noqoto, wax alla wax inagaga
xumaanayaana ma jiraan.
Guntii iyo gebogabadii waxaan qoraalkayga ku soo gunaanadayaa tallo aan u
soo jeedinayo madaxweynaha JSL, Daahir Rayaale Kaahin oo ah shaqsiga
kaliya ee uu horyaalo xeerkii doorashada ee ay labada gole ansixiyeen si
uu u saxeexo ama uu ugu celiyo golayaasha qaranka (wakiilada iyo Guurtida).
Mudane madaxweyne waxa ku horyaalal xeerkii doorashada ee ay soo
ansixiyeen labadii gole, waa xeerkii aynu ka dhur-sugaynay mudada dheer,
waa xeer uu ku xidhan yahay mustaqbalkii iyo jiritaankii Somaliland, waa
xeer aan aaminsanahay inuu waafaqsanyahay dastuurka dalkeena u yaal ee ay
97% ku ogolaanay, waa xeer ay labada gole waayeen meel kale oo ay uga
baydhaan. Sidaa darteed waxaan kugula talinayaa inaad aad iyo aad uga
fekerto oo aad si aad ah u rog-rogto, adiga oo maskaxadda ku haya in
dastuurka Somaliland uu yahay kii kuu hiiliyey ee kugu fadhiisiyey ursiga
ugu sareeya dalkan Somaliland, In dastuurka Somaliland yahay kii hadana
mar labaad kuu hiiliyey, qodobkiisii ahaa in madaxweynaha lagu soo doorto
afti dadweyne, kaasi oo ah ka aad maanta ku fadhido ee aad haybada iyo
sharafta ku leedahay. Haddaba waxaan kaaga digayaa inaanad jabin qodob ka
mid ah dastuurkaasi, maanta ma yaalo xeer jajab ama xeer maxlal ah oo
dalka lagu badbaadinayo dalkan, waxa badbaadinaya oo horena u soo
badbaadiyey dastuurkan aynu dhiganay.
Eng. Ismaaciil X. Cumar (Saalax), Hargeysa. Top
Full Speech by Eid Ali Ahmed on 17th March
2004 at Reception and Banquet held by Somaliland Communities in Diaspora
on the Honour of the Somaliland President and his high ranking delegation
and the British MPS who visited Somaliland.
Introduction
On 18th May 1991, after 31 years, Somaliland regained the freedom it
rejected in 1960. To understand why Somaliland people decided to regain
their Sovereignty they threw on 1st July 1960, it is imperative to unmask
the facts and revisit the historical events. Without knowing a nation’s
history it is not possible to fully understand the present and it is very
difficult to make an informed decision and strategic plan for the future.
Among others following are some pertinent background information.
The period between 2nd and 12th May 1960 is a very important 10 days to be
remembered by Somaliland people. Forty-four years ago a historic
conference took place at White Hall, London, between the British
Government and the representatives of the Somaliland ‘would be
Government’. This conference was called the Constitutional Conference of
Somaliland. In this Conference The British Government accepted honourably
the wishes of the Somaliland leaders and on 4th May 1960 The Secretary of
State for the Colonies, The Rt. Hon. Iain Macleod, announced the
declaration of Somaliland independence on 26th June 1960. Hence,
Somaliland become independent on 26th June 1960. However, it gave up its
freedom after four days as reported by the Daily Herald Newspaper of
London on 29th June 1960:
Quote
The Rejected Freedom - Three days ago, it gained its independence; on
Friday, it gives it up again
Somaliland, a British colony for nearly 80 years, became independent last
Sunday. And on Friday, after four days of freedom, this British outpost
will surrender its sovereignty and merge with its sister, Somalia. It has
decided not to remain in the Commonwealth. Somaliland, eastern gateway to
Dark Africa, was hardly worth a sniff in the world's press until three
days ago. Now it has become an area of historical significance. And the
reason is that its merger with Somalia is unique, as Somalia itself is not
yet free. Somalia, once known as Italian Somaliland, is still technically
under UN trusteeship, and becomes formally free only in December.
Unquote
The Italian Plot
In order to facilitate the domination and exploitation of Somaliland by
Somalia, Italy engineered to give Somalia its freedom on 1st July instead
of December 1960 as scheduled under the United Nations Trusteeship
Agreement. Unfortunately the British Government did not challenge the
Italian Plot despite the naivety of Somaliland people and their leadership
who were blindly and emotionally wanted to join Somalia without a
realistic negotiation as advised by the British Government. If the
Italians did not engineer this trick or the British Government challenged
it, as Somaliland people were still under her protection at the time,
Somaliland would have been independent for at least six months before
Somalia became independent in December 1960. Therefore, by implication
Somaliland would not have been exploited and underdeveloped by Somalia but
in vain!!
The Results of the Rejected Freedom
The so-called Somali Republic was formed on 1st July 1960 and was born
with fundamental problems because of the one-sided unification, as Somalia
swallowed and colonized Somaliland, and the legacy of two entirely
different Colonial Administration systems and experience. Since 1960 the
symptoms of the injustice and inequality of the one-sided unification were
evident, among others, through the aborted military coupe in 1961,
rejection of the Constitution 1961, popular demonstration “Bakeyle Qalad”
in 1963, student demonstration in 1966 in which some students were shot
dead and others were wounded, anti-union songs, poems and plays, the
Dhagax Tuur of 20th February 1982 (Stone Throwing Demonstration) in which
more than 35 people mainly students were killed and many others were
wounded. However, everything came to the surface after the 1977/78 war
with Ethiopia when Siad Barre strategically settled a flood of Somali
refugees from Ethiopia in Somaliland. These refugees were empowered at the
expense of Somalilanders to take over Somaliland making Somaliland people
second-class citizens in their homeland. Since 1982 Somaliland was under
emergency measures and openly "occupied" by unwanted and hated soldiers
and militia of so called Somali Ethiopian refugees. The 1960 one-sided
unification took its real colour: not a fair and balanced unification but
an occupation and colonization of Somaliland by Somalia.
Among others the results of the rejected freedom were: 31 years of
bondage, humiliation, massacre of civilians and summary executions with a
death toll of over 80,000, mass arrests, brutality, rape, unfair trails,
harsh prison conditions, systematic patterns of torture and a Policy of
Extermination and Genocide named Final Solution of Somalia's "ISAAQ
PROBLEM" as explicitly stated in the Official Secret "MORGAN REPORT" dated
17 Jan 1987. The atrocities committed by Siad Barre are well documented
and the carnage during those years (1981-1990) is known as the Hidden War
in Somaliland.
6th April 1981: Launch of Somali National Movement
On 6th April 1981, 23 years ago, Somali National Movement (SNM) was
launched in London. It is a day that every Somalilander to remember and
celebrate the victorious rise of the movement in freeing Somaliland under
the yoke of the tyrant, Siad Barre. To understand the reasons that SNM was
established I would like to present extracts of the original press release
at the launch of the movement:
The Launching of SNM on 6th April 1981
Press Release (extracts) Top
YUUSUF XAAJI
AADAN: SHAMAC BUU AHAA TAMARTIISII HURAY.
(1914kii – 2005ta) |
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
“Gembigiyo colaadaha Hashii, rag isu keen geysay,
Gilgilkii ka dhacay Qaalintuu, Galawgu dhiillaabay,
Gidhligaannadii aawadeed, la isla gaadaayay,
Hanqadhkiyo gariirkii markay, ololka googgoysay,
Ee geel-jirii maali jiray, gogosha hayn waayay,
Gurmadkii ku kacay baad`ahayd, “Gii”-da maatida e’”,
Maansada Gashi, ee Gaarriye u tiriyay Yuusuf Xaaji Aadan 1980kii.
16/02/2005ta, goor ay saacaddu ku beegnayd sagaalkii saacadood ee
subaxnimo ayaa meydkii Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille laga soo qaaday
gurigiisii oo ku yaallay xaafadda Beeraha ee Hargeysa. Iyada oo si fiican
loo gelbinayo ayaa la dhex mariyay jidka isku xidha Dawladda Hoose iyo
Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waxa bidix looga leexiyay xarunta ciidanka
nabad gelyada waddooyinka, waxaana laga tallaabiyay biriishka. Waxa la
abbaaray Wersheddii Kabka iyo Xeradii afar-iyo-labaatanaad. Waxa la
joogsaday xabaalaha Sheekh Nuur, halkaas oo uu hore ugu aasnaa Aabbihii
Xaaji Aadan Cilmi. Il-yarta ayaa is-qabatay oo markii aanu meydka ku
tukanaynay, waxaan is-leeyahay baabuurtu weli waxay tubnayd Dawladdii
Hoose iyo Xaafadihii Beeraha. Si kale kuma garatide, xataa haadkii kale
ayaa xidhmay oo baabuurta dhinaca kale socotay waxay doonayeen in ay
Marxuum Yuusuf Xaaji Aadan sii gelbiso meydkiisa.
Dadka jidadka hareerahooda tubnaa way yaabbanaayeen. Toloow, waa ayo qofka
sidan loo gelbinayaa? Garte in qof weyni baxay, waxayse garan waayeen
qofka uu yahay. Waa Dawladda! Naa malaha dibadaha ayaa laga keenay! Naa
waa maxay waxan oo baabuur ahi. Intii aan gelbiskii Yuusuf raacin ayaa
sidaa u hadlaysay.
Gelbiska Yuusuf Xaaji Aadan looma kala hadhin. Dawladdii oo uu hor-kacayo
Madaxweyne ku-xigeenku. Wasiirradii, Golayaashii Qaranka, Culimadii,
ganacsatadii, Indheer-garatadii, odayaashii xisbiyadii siyaasadeed iyo
mujtamaca Hargeysa foolaadkiisii. Waxaan is-leeyahay cid timaadda ardaydaa
ugu badnayd. Basas ayay wateen maryo ku dhejisan yihiin, kuwaas oo
tilmaamayay dugsiga ay ka socdaan. Ma siduu Yuusuf Xaaji Aadan luxudka u
qabanayo. Qol yar oo waab ah waxbarashadii uu ku bilaabay dhowr iyo
tobanka arday ayuu maanta geeriyooday iyada oo kulliyadaha iyo jaamicaduhu
dalka hafiyeen. Alleylehe xaraar buu butaystay.
Yuusuf Xaaji Aadan sagaashankaa sannadood ee uu noolaa, taag iyo tamar
midna lama hadhin si uu u buuxiyo ama u gufeeyo goldaloolooyinkii Qaran ee
muuqday. Yuusuf Xaaji Aadan dareenka waddaninimo wuxu ku dhalanayaa
dhammaadkii soddoonnadii qarnigii hore, markaas oo uu ka soo laabtay dalka
Soodaan oo uu tacliintiisii bilowga, dhexe iyo sareba ku soo qaatay.
Yuusuf Xaaji Aadan sida aanu surmo-seegtada u lahayn wuxu ka bilaabay meel
maanta loo aayay. Yuusuf Xaaji Aadan ma ahayn qof ay aragtidiisu ku
dabranayd gurgur qaanso. Nin daaqsin geel iyo tahanba wax ka arka ayuu
ahaa. Bal ka warrama sida uu Tacliinta u abbaaray? Bal shinnida uu
maalintaa saydhiyay ka warrama iyo amadka ka go’ay ama aynu ilaa maantadaa
aynu joogno ka goosanayno.? Miyaanu la helin? Alleylehe, la isma caasiyo
e’ isha ayuu ka riday.
In kasta oo aan Yuusuf Xaaji Aadan beryo hore, qof ahaan u baran, haddana
ima ay seegin in aan si aad u dhow oo shakhsiya beryihii danbe u barto
ilaa aanu ka gaadhnay heer aanu dhaqan iyo suugaan-wadaagba ka noqonno.
Aniga oo yar waan arki jiray, waxaanu se isku barannay Golihii Murtida iyo
Medadaallada ee Muqdisho. Ku-sinnaan 1974kii ayaa barasho isugu kaayo
horreysay, waxaanuse aad isu dhex gallay 1976kii oo aanu xubno ka wada
ahayn Guddi Qaran oo Fan iyo Suugaaneed oo u xil-saarreyd xulista
waxyaabihii lala tegi lahaa dalkaa Neyjeeriya oo markaa lagu qabanayay
Bandhigii Fanka iyo Suugaanta ee Beelaha Madow ee adduunka oo la odhan
jiray FESTAC-77. Berigaana waxa Neyjeeriya Madaxweyne u ahaa Madaxweynaha
maanta ee Olushugun Obasaanjo. Guddidaasi waxay ka koobnayd: Yuusuf Xaaji
Aadan, Xuseen Sheekh Axmed Kaddare, Siciid Saalax Axmed, Maxamed Cali
Kaariye iyo aniga. Kaddare iyo Yuusuf Xaaji Aadan qaadka ma ay cuni jirin
oo in badan nalama ay fadhiyin jirin gelinnada danbe. Waqti diyaargarow oo
ku sinnaa muddo lix bilood ah ayaanu haysannay. Gelinka hore Tiyaatarka
ayaanu ku qaadan jirnay, gelinnada danbena qayilaad. Xilliyadaa iyo
xilliyo ka danbeeyayba Yuusuf Xaaji Aadan waqti dheer oo aan
sheekooyinkiisii taariikhiga ahaa ku dhegaysto ayaan fursad u helay.
Dhererka wuxu ahaa meel dhexaad. Midabka wuxu ahaa maarriin in kasta oo
sannadihii danbe ee uu qurbo-joogga ahaa aad moodaysay in uu casaan u
digo-roganayay. Sanqaroor dheer iyo dhego waaweyn ayuu lahaa. Wuxu lahaa
bidaar xagga hore ka gashay oo beryihii dam be aan timo badan kaga tegin
madaxiisa gaar ahaan inta hore. Mararka uu gadhka la baxo wuu isku joojin
jiray isaga oo ka soo rogi jiray daamanka dabadooda. Marka aanu gadhka
saarin shaarubahana wuu iska xiiri jiray. Wuxu ahaa Yuusuf Xaaji Aadan nin
xooggan oo ay gacmihiisu duuban yihiin, taas oo ay sabab u ahayd kaalintii
horyaalnimo ee uu kaga jiray ciyaaraha isboortka. Indhuhu halka ay ku
fadhiyeen ayay da’diisu ka muuqatay, iyada oo inta indhaha ku xeerani
laab-laab madow lahayd. Halkaa ayaad ka garanaysay maalmihii adkaa iyo
halgankii qadhaadhaa ee uu soo maray Yuusuf Xaaji Aadan.
(La soco…….) Top
Cali Khaliif
Galaydh – Wareysi |
“Ninka Yidhaahda Itoobiyaa
Hub Naga Dhigaysa, Waa Waraabe Adhi
Raacso… Baydhabo Waa Meel Lagu
Dhuumanayo, Amxaaraduna Waxay
Doonaan Ka Fushan Karaan”
Cali Khaliif Galaydh – Wareysi
Nairobi, Feb 18, 2005 (Haatuf) – “Ninkii yidhaa Itoobiya ayaa hubka naga
dhigayso waa waraabe Adhi raacso” Sidaa waxa yidhi Cali Khaliif Galaydh oo
u waramayey shabakadda wararka ee Hiiraan Online oo uu wareysi dheer oo
dhinacyo badan leh siiyey. Cali Khaliif waxa uu waraysigan ku sheegay in
loo baahan yahay ciidamo shisheeye, balse aanay ciidamadaasi ahayn kuwa
ugu yeedhay ciidamada amxaarada, wareysigaas oo dhamaystirani waxa uu u
dhacay sidan:
Su'aal: Sidee u aragtaa dowlada Cusub ee lagu dhisay Nairobi Cabdilaahi
Yusufna Madaxweynaha ka noqday?
Jawaab: Run ahaantii dowlada waa la wada ogaa, Anigu kama mid ahayn dadkii
Madaxweyne Cabdulahi Yusuf taageersanaa, sababtu si kasta ha ahaatee
isagaa la doortay waliba cod aad u badan, tartan hadii la galena
sharciyada waxay qabtaa in wixii tartan ka dib soo baxa la
ogolaado,ogolaanshahana dee waxaan filayaa Soomali badan walwal way ka
qabtay dowlada uu cabdulahi Yusuf dhisi doono.hase yeeshee dadku badankiis
waxay qabeen wixii uu la yimaad halagula dhaqmo laga warsugno, ana kuwaas
baan ka mid ahaa…halkaa baana ka taagnaa, waana isaga magacaabay Cali
Maxamed Geedi mana ahayn nin aan aniga aqaan balse waa nin Jaamacad ka
baxay oo aan lahayn wax siyaasad iyo maamul dowladeed ah kolkaa wixii laga
sheegaa waxay iila muuqdaan wax laga hordhacay maadaama aan la arag wax
qabadkiisa wali. waxaan filayaa waxaa laga filayay October ilaa December
in la dhaqaaqo oo hawlo badan uu qabto, dhulkii la tago, dib u dhis iyo
dib u heshiisiin gasho ilaa iyo hada wax ka qabsoomayna ma jirta taas..
Su'aal: haddii aad tahiin dadkii dalka aqoonta u lahaa maxaad u caawin
weydeen dowlada gabiga ka laalaada?
Jawaab: Koleey waa laga yaabaa dad la'aani ma jira in badan oo Aqoonyahano
ah ayaa jira, dalkii jooga baarlamaanka ka mid ah. sidoo kale golaha
wasiirada kuwa kale ayaa Nairobi jooga, in badan oo Sama talis ah baa jira,
laakiin koley anigu nin isaga la raadsaday oo ku deeqayna maaheyn cid ila
soo xidhiidhayna ma jirta ama xitaa aan filanayay inay ila soo xidhiidho.
Su'aal: Dowlada Nairobi lagu dhisay waa jabhadihii dalka 14ka sano isku
hayay, mala odhan karaa dowlada waxay u shaqeyn la’dahay iyagii ayaan
qadirin isu hayn?
Jawaab: Waa run intii dagaalameysay ayaa ku jira baarlamaanka ama golaha
Wasiirada, waa run madaxweyne waa loo doortay Cabdulahi Yusuf sababta ugu
weyn ee sahashayna waxay ahayd hogaamiyayaasha isku dagaalayay Banaadir oo
Codkooda siiyay si kastaba xisaabta ha u dhigteene armeey fiicnaan lahayd
isaga hala doorto ha ahaato iyaga oo ana is dooraneyn oo isleh mid kale
hala doorto ama isleh waxaan ma socon doonaane midkiina yaan la dooran.run
ahaantii markii horena iyagaa is-haystay hadana golaha ku wada jira lagana
doonayaa inay wax qabtaan, siyaasada waa la dagaalamayaa waa la is qabtaa
laakiin lama kala reyn, cidna uma suuroobeyso inuu xukun maroorsan karo,
ninkii iska mala awaasho inuu xukun gacanta ku qabto wax baanu garan.
Su'aal: Sidee u aragtaa in dalka la geeyo Ciidamo ka socda safka hore?
Jawaab: U maleeyn mayo Ciidamo laga keeno safka hore ay Soomaaliya nabad
ka keenayaan, lagama abaal ka daro dowladaha IGAD kuwii gogosha fidiyay
ayay ahaayeen laakiin dowlad walba dano ayay leedahay waa lagaa
daneysanayaa, waxaanse u arkaa qalad taariikhi ah balse qofkii yidhaa
Itoobiya ayaa Soomaaliya Ciidamo u direysa waa xalay dhalay, waana qofaan
ka war hayn taariikhda dheer ee Itoobiya iyo Soomaliya dhextaal, laakiin
waa lagama maarmaan in maleeshiyooyinka hubka laga dhigo ,nabad la helo
xitaa hadii soomaliya isku raacdo in Ciidamo kale la dalbado waa arrin
fiican balse ninkii yidhaa Itoobiya ayaa hubka naga dhigeyso waa waraabe
Adhi raacso, waa nin uun adhigiisii yidhi waraabaha ayaa ii raacaya, ma
isagaa laga ilaaliyaa mise bahalaha kale ayaa laga ilaaliyaa, in Itoobiya
colaadii na dhexmartay laga fikiri waa arin fiican laakiin sida hada
muuqato waan aragnaa In Itoobiya gacanta loo gelinaya Soomaaliya laakiin
Itoobiyaanka way ku adkaan doontaa sida ay soomaaliya ku qabsadaan mana
qabsan karaan balse waxaa laga dhaxlayaa dagaal lagu hoobto.dowladii carte
waxay ku guuleysatay in xaduudaha somaliya ay ka baxdo Itoobiya balse hada
qiil ayay haysataa, waan naqaan dowladaha, Jabuuti, Kenya, Erateria, Sudan
go'aanka ay ka qabaan Ciidamo soomaaliya loo diro balse dowlada qudha ee
ay u tafaxeydaneyso waa Itoobiya dee baarlamaanka wali iskuma raacsana
inkastoo ay dhici karto in lacag lagu faraqo Xildhibaanada oo lagu yidhaa
ansixiya balse sababaha hada loogu war-wareegayo Baydhabo hala tago waa
meel lagu dhuumanayo sidaas oo ay tahay wali islama ogola Reer baydhabo in
halkaas la tago, baydhabo waa meel yar mana hanan karto inay caasimad u
noqoto dowlada waana meel ku dhaw xaduudka oo Amxaarada waxay doonan bay
ka fushan karaan haday doonaan inay wax fidneeyaan.
Su'aal: Wafdiga xaqiiqo raadinta ee ka socda dowladaha Midowga Afrika iyo
jaamacada carabta hada waxay ku sugan yahiin Soomaaliya maxay kala soo
kulmi karaan bay kula tahay?
Jawaab: Anigu waxaan qabaa in meel taageero buuxda laga siin doono ay ka
soo helayaan Muqdisho aanay jirin, waa jirtaa dad aan badneyn oo
taageeraya fikirkaas, xamar nabad baa laga rabaa ,cidii fikireysa ee caqli
isticmaalayso sooma dhaweyn karaan qorshahaas, marka laga reebo kuwa
xukunka doonayo inay fara maroorsadaan ma jirto meel laga soo dhaweeynayo
Ciidamo Amxaaro .balse qiyaas ahaan waxa mideeynaya Soomali oo ka
dhiidhinayo in la maxlala Soomaaliya waxaani waa maxlale u maleyn maayo
inay warkaas soo dhaweeyneeyso, balse arintaan Ciidamada Itoobiya waxay
mideyneysaa Shacabka Soomaaliyeed.
Su'aal: Hadii Caasimada laga wareejiyo Muqdisho side kula tahay?
Jawaab: Walaahi dad baa oowrkooda ku kacsanaya arrintaan caasimada yaan
xamar la tagin ah,waa run nabadgelyada ma fiicno waxaaba jirta dad rabo
inay xamar ka dhigaan meel aan nabad ka jirin oo waa tan lagu dilay
gabadha iyo dad kale oo badan ,balse dadka xamar joogaa way u baahan
yahiin dowlad Soomaaliyeed laakiin hada waxaa jira waa Owr caloosha laga
raraya,kooxahii hubka haysta dowlada ayay ku jirtaa ,xamar dhamaan
dastuuradii dalka waxay qabaan caasimada waa xamar, cidii dooneyso inay
xamar ka wareejiso caasimad oo meel kale tagto ,micnaheedu waa halkaas
baan ku hub ciidan aruursanayaa, kuwa shisheeye iyo kuwa aan haysto
kadibna xamar baan ku duulayaa xoog ku qabsanayaa dhabta waa taas hase
yeeshee taas waxaa laga dhaxlayaa dagaala hor leh oo sokeeye ,waji laga
soo gudbay oo qabiili ah, siina fogeyso xaalada Soomaaliya.
Su'aal: Waxaad tahay siyaasi xitaa Ra'isulwasaare ka soo noqday Soomaaliya
wax badana og, sidee kula tahay in Xamar hubka looga dhigi karo laguna
nabadeeyn karo?
Jawaab: Waxay noqoneysaa arintaas islaan fadhida lagdan la fudud waa arin
dowladii tagtaba walbahaar badan ku hayn doonto laakiin waxay ila tahay in
hadii mas'uuliyiinta sare ee dowlada ay ka doodaan ,si cilmiyeeysana
beesha Caalamkana ka codsadaan Ciidamo aan ahayn kuwa hada lala ordayo
waxaan qabaa in wax fiican ka soo bixi doonaa,waxaan xasuustay hadal uu
yidhi Muuse Suudi ee ahaa dowlada Carte haday bac noqotana waa duleelin
hadeey bir noqotana wadadaan u baneyn .haddii inta baarlamaanka ku jirta
ay isla ogolaato ciidamo yar halka laga leeyahay labaatan kun xitaa labo
kun la helo taas baa xal ahaan doonto, dowlad kastaa oo Soomaaliyeed oo
aan hada maaliyad haysan dhaqaalo badan bay dibada uga baahan tahay, waxaa
yaab ah Ciidamo la leeyahay Itoobiya laga keenaa yaa siinayo dhaqaale
dowlada itoobiya waa dal sabool ah oo ku nool macaawino marka yaa siinaya
dhaqaalaha uga baxayo ciidamo uu Soomaaliya u soo dirsado, waa soo geli
karaan laakiin ma hayn karaan waxaana qabaa kuwa hada gacan ku siinayana
uma suurtoobeeyso,waxaana hubaa in Mareykan iyo Yurub midna siin doonin
wax dhaqaalaha ah, balse aniga fakir ahaan kuwa hada talada haya Itoobiya
kama shaqeynayaan dan Itoobiya hadeey talaabadaas qaadaan. Top
Burco:
Badhasaabka Iyo Maayarka Oo
Dadweynaha Kala Hadlay Fagaaraha Kheyriyadda |
Burco, February 18, 2005 (Haatuf) –
Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere, maayarka magaalada Burco
Cabdi Axmed Iidle (Cabdi Burco) iyo masuuliyiin kale ayaa kala hadlay
shalay dadweynaha fagaaraha Khayriyada ee Burco, kuwaas oo horaantii
Todobaadkan dadweynaha ku wargeliyey inay isugu yimaadaan fagaaraha
Khayriyada.
Sida uu ku soo waramayo wariyaha Haatuf ee gobolka Togdheer Axmed Aadan
Yuusuf, masuuliyiintani waxa ay dadweynaha u sheegeen inay doonayaan inay
horumariyaan magaalada, isla markaana ay doonayaan in lagala shaqeeyo
qorshayaasha ay wadaan.
Maayarka magaalada Burco oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay in
ay sameeyeen Burco wanaagsan oo aanu idiin sheegi doono qorshayaal aanu ku
horumarinayno magaalada, isla markaana loo baahan yahay in gacan laga
siiyo, isagoo arimahaas ka hadlayana wuxu yidhi “Waxaanu isu soo baxan
isugu kiin yeedhnay in aanu idiin sheegno inaanu doonayno inaanu samayno
Burco wanaangsan, isla markaana aanu hayno qorshayaal badan oo lagu
horumarinayo magaalada, kuwaas oo ka kooban laba iyo toban qodob. Sidaa
darteed-na la idiinka baahan yahay in aad iskaayo bar-bar taagtaan si aynu
u horumarino magaaladeena, waxaana qorshayaasha u horeeya magalaada oo
aanu u samayn doono kayd Biyood oo aan hore u jirin iyo arimo badan oo
kale”.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay agaasimaha waaxda arimaha bulshada e D/hoose
C/laahi Ibraahim Xuseen iyo gudoomiyaha ururka Horseed Cali Xasan X.
Diiriye oo ah urur hawlo mutadacwacnimo xagga nadaafada ah ka qabta
magaalada Burco, kuwaas oo ka hadlay in loo baahan yahay in lagu dedaalo
sidii looga shaqayn lahaa Nadaafada iyo saxada magaalada, isla markaana ka
waramay hawlihii mutadacwnimo ee ururkaasi gacanta weyn ka geystay.
Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo ugu dambayntii halkaa
ka hadlay ayaa sheegay inay dadku ka shaqeeyaan horumarka magaalada,
iskana ilaaliyaan waxyaabaha dib-udhaca ku keenaya.
Barnaamijkan oo ahaa kii u horeeyey ee noociisa ah ee dadweynaha u soo
bandhigaan golaha degaanka Burco, waxayna sheegeen inuu yahay mid ay la
kaashadeen hay’adaha samofalka, sidaa darteedna uu yahay qorshe lagu
horumarinayo magaalada oo socon doona muddo shan sannadood ah. Top
Madaxweyne
Rayaale Iyo Wasiirkiisa Daakhiligu
Miyey Isku Maan-Dhaafeen Ballanqaadkii
Degmo-Nimo Ee Tuullada Boon? |
Boon, Feb 18, 2005 (Haatuf) – Wasiirka
Arrimaha Gudaha Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan, ayaa sannadkii hore
bishii June mar safar hawleed ku tegay isaga iyo wefti uu hogaaminayo
magaalada Boon ee gobolka Awdalka, waxaa uu dadweynaha reer Boon
ballanqaad ugu sameeyay in magaalada loo aqoonsan doono degmo, isla
markaana uu Madaxweyne Rayaale ka dalban doono sidaas, kadib markii ay
shacabka Boon ka dalbadeen. Weriyaha Haatuf
ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, ayaa warbixin arrintaas ku saabsan oo uu
ka soo diyaariyay waxa uu ku bilaabay sidan: “Sannadkii aynu soo dhaafnay
badhtamihisii, gaar ahaanna bishii June ,waxay wakhtigaa magaalada Boon oo
60KM waqooyi/galbeed ka xigta magaalada Boorama u ahayd mid farxadeed
maadaama dadweynaha magaaladaasi u ekaayeen kuwa ku guuleystay inay heleen
maamul ka madax bannaan Boorama oo ay ka heleen Xukuumadda. Wakhtigaasi
waxa magaaladaasi booqashdiisii ugu horreysay ee rasmiga ahayd ku tegay
Wasiirka Daakhiliga Ismaaciil Aadan Cismaan oo ay la socdaan maamulka
Gobolka Awdal iyo maayarka Boorama.
Wakhtigaasi oo wasiirka laftiisa u ahayd mid farxadeed maadaama lagu soo
dhaweeyey dhul aanu weligii habeenna u hoyan oo buuraley ah. Wefdiga
wasiirka iyo madaxda kale ee la socotayba waxa qado sharaf loogu sameeyey
goob loogu talogalay sariibad, balse loo rogay hool shirarka waaweyn lagu
qabto. Qadadaasi kadib waxay wefdiga, waxgaradka iyo odayaasha reer Boon
isweydaarsadeen khudbado aad u macmacaan oo ka sheekaynayey waxa reer Boon
tabanayeen weligood iyo waxa gaar ahaan ay ka doonayaan madaxweyne Rayaale
oo is lahaayeen maanta wax kasta ka dhammaysta mar haddaad uga hiiliseen
axsaabtii mucaaradka ee degmadaasi kaga shidaysay xisbigiisa UDUB, laakiin
mar qudha siigada lagu rogay. Raggii ugu waaweynaa magaaladaasi waxay
qaarkood gaadheen inay wasiirka u sheegaan in haddii degmanimo loo
aqoonsado xanuunka haya ay ka bogsan lahaayeen, halka kuwa kalena ka soo
sheekeeyeen taariikhda dheer ee magaaladaasi lahayd, balse dawlad kasta,
Soomaaliya ama Somaliland iskaga indha tireen ama u duudsiyeen xaqooda,
aakhirataankiina waxay codsi aan gabbasho lahayn u weydiisteen wasiirka
inaanay maanta uga dambayn aqoonsiga degmanimo ee tuulada Boon.
Dhinaca kale wasiirka iyo wefdigiisu hadal la is yidhaahdo kii ugu
wanaagsanaa ayey u sheegeen reer Boon, iyagoo wefdigaasi uga calaacalay
dadweynaha magaaladaasi dulmiga dawladihii hore ee Soomaaliya iyo kuwa
Somaliland ba u geysteen una ictiraafi waayeen magaaladaasi inay noqoto
degmo ka hoos baxda maamulka Boorama oo ay u arkayaan inuu cagta hoosteeda
geliyo had iyo jeer.
Khudbadahaasi wefdiga dawladdu waxay reer Boon u muujiyeen sida dawladdu u
jeceshahay degmaninada Boon. Akkhirataankii waxa khudbadii u dambaysay ee
munaasabaddaasi qabsaday wasiirka daakhiliga Ssmaaciil oo ku wargeliyey
reer Boon in laga bilaabo maalintaasi magaalada Boon u diiwaangashan tahay
degmada Boon dhinaca wasaaradda, waxa qudha oo ku xidhanina ay tahay
saxeexa Madaxweyne Rayaale oo ay u dareemeen reer Boon in wasiirku wuxu
yidhaahdo aanu madaxweynuhu diidayn. Nasiibdarro degmadii maalintaaasi
reer Boon isku qaateen weli lama hayo, maamulkii Booramana wuu xukumaa
welibana wuu ku sii adkeeyey maamulkiisii.
Reer Boon kama hadlaan degmadii la siyey waxa ku dhacay, rajadoodiina way
ka sii gudhaysaa. Haddaba maxaa loo qaadan arrintaasi Wasiirku kaga
dhawaaqay fagaaraha Boon? Su’aashaasi keliya maahee waxa la iska weydiin
karaa tobannaan su'aalood oo jawaabo u baahan. Ma madaxweynahaa diiday? Ma
Ismaaciilbaa been sheegay oo farxaddii maalintaasi ka badatay? Ma
madaxweynahaa weli reer Boon ugu cadhoonaya taageeradii markii hore ay
siiyeen KULMIYE balse markii dambe ka istaafurulaysteen? Madaxweynuhu
miyuu ka cadhooday wasiirka oo uu u arkay inuu intuu deegaankii tolkii u
dhaafay iska yidhi wax an soconayn? Madaxweyne Rayaale ma wuxu ka shakiyey
magaalada Qulujeed oo uu ka soo jeedo, degmanimana ka doonaysay u arkaan
inuu uga eexday magaalada Boon?
Jawaabaha su'aalahaasi waa kuwa weli ku
wareegaya maskaxda dadweynaha magaaladan caanka ku ah Hays caawisada (iskaa
wax u qabso), soleyga (hillibka la dubay} iyo tiinka Abbase.
Waxa kale oo weli jawaabaha su'aalahaasi ka hadli kari la' ama ka jawaabi
kari la' xukuumadda, wakiilada reer Boorama u jooga Hargeysa , maamulka
gobolka iyo wasiirka daakhiliga oo isaga loo qaadan jiray in wuxuu sheegaa
run noqonayaan, balse degmanimadii Boon ka dhigi karto arrintaasi ay ka
qabsatay. Top
Qarax Bam Oo
Lala Beegsaday Wefdigii
Xaqiiqo-Raadiska U Joogay Muqdisho Oo
Keenay Dhimasho Iyo Dhaawac |
Muqdisho, Feb 18, 2005 (Haatuf) – Hal qof
ayaa ku dhintay dhawr iyo toban kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii uu
Qarax weyn ka dhacay gelinkii hore ee shalay xaruntii wasaarada Arrimaha
Dibada ee Magaalada Muqdisho,kaasoo la sheegay in lala damacsanaa weftigii
xaqiiqo raadinta ee ka socday midawga Afrika.
Weerarkaasoo ahaa kii u horeeyay ee noociisa oo lala beegsado wufuuda
beryahanba ku marayey socdaalka Muqdisho kaasoo la sheegay in loo
adeegsaday Mooto lagu soo xidhay waxyaabaha qarxa ee miinooyinka waxaana
la rumeysan yahay in mootadaasi la soo qarxiyey meel fog,iyadoo wakhtigaa
halkaas ay marayeen gawaadhida loo yaqaan tiknikada oo galbinaysay weftiga
midawga Afrika oo markaasi ka amba baxaysay halkaa.Sida uu ku soo waramayo
weriyaha haatuf ee Muqdisho waxa qaraxaasi uu dhacay daqiiqdo yar ka dib
markii ay mareen kolanyo gaadiid ahi halkaas,kaasoo ahaa mid ka duwan
weeraradii hore uga dhici jiray halkaa.
Waxaana qaraxaasi waxyeelo u geystay dad rayid ah oo dhoobnaa daafaha
jidkaa gaar ahaan nawaaxiga wasaarada Arrimaha Dibadda oo la dhigay
Mootadaas,kuwaasoo dhaawacoodi lagu daweynaayo isbitaalka Madiina qofka ku
dhintay qaraxaas oo ahaa wiil dhalin yaro ah oo magaciisa la odhan jiray
Maxamed C/raxmaan Maxamed “Doode”, Ma jirto cid sheegatay qaraxaas balse
waxa loo maleynayaa in ay ka dambeeyaan kooxaha ka soo hor jeeda keenista
ciiddamo shisheeye in la keeno soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho,
Waxaana la sheegay in weftigaasi uu gaadhay is shalay magaalada
Jawhar,halkaasna ay ku soo dhaweeyeen xubno ka socda weftiga xukuumada
dibad jooga iyo hogaamiye kooxeedka Maxamed Dheere oo safarkooda ku
weheliyey weftigaa dawladda dibad jooga ka socda isla markaana ay soo
kormeereen qaybo ka mida magaalada waxaana uu u sheegay Maxamed Dheere
weftigaas xaqiiqo raadiska in dawladda Feedaraalka ee loo dhisay
Soomaalida taageero badan ay ka haysato dhul baaxad leh isla mar
ahaantaana ay jiraan goobo badan oo la geyn karo ciidamo nabad ilaalin
ah,waxaana uu intaa ku daray in la keeni karo ciidamo ka socda dalka
itoobiya sidaas darteedna ay soo dhaweynayaan kaalmada ciidameed ee laga
filaayo Midawga Afrika, iyadoo lagu wado inay uga sii gudbaan magaalada
Baydhabo, halkaasoo la sheegay inuu ka jiro khilaaf iyo kala qaybsanaan u
dhexeeya ururka RRA-da dhexdiisa,kaasoo ka dhashay imaantinka iyo soo
dhaweynta weftigaas. Weftigan oo la sheegay in ay ka socdaan Midawga
Afrika,Urur Goboleedka IGAD iyo Jaamacadda Carabta isla markaana ay
weheliyaan saraakiil soomaali ah oo ka raacay Nayrobi waxay ujeedada
socdaalkoodu la xidhiidhaa sidii ay ugu kuur geli lahaayeen in loo baahan
yahay ciidamo nabad ilaalin ah oo la keeno soomaaliya.
Top
|