Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 809 Marc. 22,2005

Ogaysiis Jaaliyada Somaliland ee Bristol

Somaliland’s Missing International Dimension

Qorshaha Saami-Qaybsiga Ee Madaxweyne Rayaale Laga Sugayo,
Tibaaxaha Hordhaca Ah Ee Soo Yeedhay Iyo Ololaha Ay Xisbiyada Qaar Bilaabeen

“Musharixiintii Wakiilladu Waa
Noo Diyaar, Arrinta
Saami-Qaybsigana Ahmiyad Ma Siinayno”

“Reer Awdal Haddii Ay Doorashada
Baarlamaanka Ka Dhex Arki
Waayaan Saami Cadaalad
Ku Fadhiya, Kama Qayb-Gelayaan”
Maxamed Xaaji Hadliye – Siyaasi Reer Somaliland Ah

Baarlamaanka Iyo Xukuumadda
Mbagathi Oo Midba Magaalo U Guurayo

“Marka Aynu Dhaqaalaheena
Xoojino, Aqoonsigu Wuu Iman Doonaa”
Jawaahir Maxamed Cali Sh. Madar,
Wakiilka Maal-gashiga Somaliland

“Waxaan Ku Mashquulsan-Nahay
Maqaal Joornaalka Lagu Qoray Oo La Igu Ceebeeyay”
Riwaayad Lagu Soo
Bandhigay Ceerigaabo

Ganacsatada Caanaha Suuqa Gobanimo Oo Loo Qaybiyay
Boosaska Hangarada Cusub

Ciidamo Gaar U Ah C/laahi Yuusuf
Oo Lagu Diyaariyay Duleedka
Gaal-Kacayo

Idaacad Madax-Banaan Oo Somaliland
Ah Oo Markii U Horeysay
Xalay Codkeeda La Maqlay

Gabiley: Roobab Da’ay Oo Khasaare Geystay

Tog-Wajaale: Dhaqan-Xumada
Buux-Dhaaftay Iyo Hawl-Galada
Guddiga Wanaag-Farista

Weriyeyaal BBC-da Ah Oo Barnaamij
Ku Saabsan Somaliland Dunida U Bandhigaya

Tartan Aqooneed Dhexmaray
Laba Dugsi Oo Hargeysa
Iyo Gabiley Ah

Ururka ICG Oo Si Kulul Uga Jawaabay Cambaareyn Kaga Timi IGAD

Shir-Madaxeedka Carabta Iyo Ajandaha Xasaasiga Ah Ee Horyaal

Kofi Annan Oo Ku Baaqay In
Dib-U-Habayn Lagu Sameeyo
Qaramada Midoobay

ODHAAHDA AKHRISTAHA:Ma Wixii Ay Shalay
Qoranay Ayaa Maanta Khalad Noqday?

Doqon Milantay Iyo Geesi Malefsi
Bartay, Dhexdooda Miidaamaa Ka Dhacda

UDUB Waa Hal Xisbi, Cidina Cid Kama Sheegan Karto

Maanta Waxaan La Hadlayaa Saleebaan-Gaal, Saleebaan maanta hal baan leeyahay

Marwadu Ma Waxay Soo Gashatay
Shaadhkii Madaxweynaha

 


Ogaysiis Jaaliyada Somaliland ee Bristol

Waxaa la Ogaysiinayaa Jaaliyada Somaliland ee Bristol ku nool in Maalinta Sabtida ee ay bishani tahay 26-03-2005 lagu qaban kulan lagu soo dhawaynayo Tafatiraha Guud ee Wargeyska Haatuf iyo Somaliland Times Mudane Yuusuf Cabdi gaboobe oo imika booqasho ku jooga dalkan Britain.

Kulankan waxa uu Mudane Yuusuf Cabdi Gaboobe kaga hadli doonaa xaalada guud ee dalka, waxaana uu ka warbixin doonaa kaalinta ay Saxaafadu kaga jirto horumarinta dalka, waxaa kale oo iyana kulankan ka hadli doona Tafatirayaasha Wargeysyada Jamhuuriya London iyo The Somali Voice Bristol, masuuliyiin ka socota ururka Somaliland Support, iyo waliba xubno kale oo ka tirsan jaaliyada Somaliland ee Bristol degan, waxaa kale oo shirkan kasoo qayb gali doonaa masuuliyiin ka tirsan dawladan Britain.

Hadaba waxaanu ka codsanaynaa jaaliyada Somaliland ee ku nool magaalada Bristol iyo nawaaxigeedu inay kasoo qayb galaan kulankan muhiimka ah.
Saacada uu shirku dhacayaa waa saddexda galabnimo ilaa lixda galabnimo inta u dhaxaysa
3PM -6Pm ee Sabtidan inagu soo aadan
cinwaankuna waa kan hoos ku qoran.

St. WERBURGHS COMMUNITY CENTRE
HORLEY ROAD
BRISTOL

Wixii Faahfaahin ah kala soo xidhiidh

Kaysar Cabdilaahi Mob: 07960236638

Khadar Xayad Mob: 07980343690

Mustafe Abdi Gamuute: 07949808611

Source: Qarannews.com

Top


Somaliland’s Missing International Dimension

Somaliland Times

Editorial

Somaliland’s Missing International Dimension

Two recent events point to systemic problems in the decision-making of Somaliland’s government. The first one is the detention and dismissal of two journalists for working without permit for an overseas-based Radio (Horyaal) while at the same time being employees of the government-owned Radio Hargeisa. Even if one grants the government the right to fire the two reporters, one is baffled by why it chose to detain them. If the government’s aim was to scare the two reporters and discourage Somaliland citizens from listening to the new radio station, the government’s action resulted in just the opposite and gave Radio Horyaal some free publicity, while at the same time it damaged its own and the country’s reputation. One would have hoped that since many of the people in this government have been in office for some time, they would have learned by now that such heavy-handed tactics backfire. This incident is just another case of the government making decisions solely based on internal political calculations. Since the government is responsible for Somaliland, it is only right that they should pay attention to internal matters, but it is also important that they be aware of the international ramifications of their decisions. Which brings us to the second event, the trial of the ten alleged terrorists. Somaliland’s government could have made more vigorous efforts to publicize the trial proceedings and drawn the attention of the international community. Since the victims were foreigners, it is only logical that their countries of origin, and the press in particular, would be interested in the trials and their outcome, and the occasion would have served as an opportunity to focus foreign media and international attention on Somaliland.

In a recent interview, Somaliland’s President Dahir R. Kahin said with evident pride, “Somaliland is the only country in East Africa that has managed to capture ten terrorists.” President Kahin and Somaliland’s security services have every right to take pride in such a feat. But they must let the world know about it, and not treat it as a local event.

Top


Qorshaha Saami-Qaybsiga Ee Madaxweyne Rayaale Laga Sugayo,
Tibaaxaha Hordhaca Ah Ee Soo Yeedhay Iyo Ololaha Ay Xisbiyada Qaar Bilaabeen

Hargeysa, March 22, 2005 (Haatuf) — Maalmaha foodda inagu soo haya ayaa la filayaa inuu madaxweyne Rayaale miiska soo dhigo qorshe cusub oo ku saabsan saamiqaybsiga kuraasta aqalka wakiilada ee uu khilaafka ba’ani ka taagan yahay, taas oo ay warar xog-ogaal ahi tibaaxayaan inuu madaxweyne Rayaale waqtigan xaadirka ah ku mashquulsan yahay diyaarinta qorshe ku saabsan meelmarinta doorashada golaha wakiilada, iyadoo ay wararku leeyihiin arinta ugu muhimsan ee uu madaxweynuhu ku mashquulsan waa dejinta qorshe ku saabsan saamiqaybsiga kuraasta wakiilada ee uu khilaafka tafta dheeri ka taagan yahay.

Dhawrkii maalmood ee ina dhaafay waxay mudanayaasha labada gole ee baarlamaanku u dhegtaagayeen dhinaca aqalka madaxtooyada, taas oo ay filayeeen inuu madaxweyne Rayaale soo saaro qorshihiisa cusub ee ku saabsan saamiqaybsiga kuraasta wakiilada, laakiin inkasta oo horaantii toddobaadkan ay dadka qaar filayeen inay arintaasi debedda u soo baxdo, hadana ilaa hadda lama hayo, waxaase jira warar tibaaxaya inay madaxweyne Rayaale iyo la taliyayaashiisu hadda ku mashquulsan yihiin diyaarinta iyo tifaftirka qorshaha cusub ee saamiqaybsiga kuraasta wakiilada, isla markaana waxa soo baxaya tibaaxo hordhac ah oo ku saabsan qorshaha cusub ee uu madaxweyne Rayaale soo wado iyo qaababka la saadaalinayo inuu ku soo salayn doono qorshaha saamiqaybsiga.

Madaxweyne Rayaale markii uu ganafka ku dhuftay xeerka doorashada wakiilada ee ay golayaasha baarlamaanku ansixiyeen, isla markaana uu soo baxay go’aankii ay maxkamadda dastuurka ahi ku daadefaysay xeerka ay ansixiyeen baarlamaanku waxa uu magacaabay koox wasiiro oo ku yidhi soo diyaariya qorshe cusub oo ku saabsan saamiqaybsiga, wasiiradaas oo muddo ilaa laba toddobaad gaadhaysa u fadhiyey shirar isdaba joog ah waxay warar xog-ogaal ahi tibaaxeen inay waxba isla meel-dhigi kari-waayeen, taas oo la sheegay inay arimaha ku kala aragti duwanaadeen, ka dibna waxa sheekadii mar kale dib loogu celiyey aqalka madaxtooyada, taas oo ay wararku tibaaxeen inuu madaxweyne Rayaale la wareegay hawsha diyaarinta qorshaha cusub ee doorashada wakiilada, oo uu ugu horeeyo qoddobka xasaasiga ah ee saamiqaybsiga kuraastu.

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu maalmihii ina dhaafay shirar is-dabajoog ah aqalka madaxtooyada kula yeeshay mudanayaasha golayaasha baarlamaanka oo uu ula kulmay koox iyo keli-keliba, laakiin kooxdii ugu badnayd waxa uu la kulmay Arbacadii toddobaadkii ina dhaafay, taas oo uu dhawr iyo konton xubnood oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada kulan fadhi-qayilaadeed ah gelinkii dambe ee Arbacada kula yeeshay qasriga madaxtooyada, waxaana la sheegay inuu madaxweyne Rayaale mudanayaashaa kala hadlay arimo la xidhiidha mawduuca doorashada wakiilada ee uu khilaafka ba’ani ka taagan yahay iyo sidoo kale isku dhacii arintaa ku saabsanaa ee dhexmaray baarlamaanka iyo xukuumadda.
Sida ay wararku sheegeen hadalka uu madaxweyne Rayaale nimankaa mudanayaasha ah u jeediyey waxa uu inta badan ku saabsanaa sidii ay golayaasha dawladdu uga heshiin lahaayeen xurguftii dhowaan dhexmartay, laakiin waxa la sheegay inaanu arimaha sartu ka qudhuntay hoos ugu dhaadhicin oo uu kor ka xaadiyey, sidoo kalena aanay labada dhinac (mudanayaasha & madaxweyne Rayaale) dhexmarin doodo adag-adagi.

Sida ay wararku tibaaxeen markii ay sheekadu gebagebo maraysay ayuu mid ka mid ah mudayaashii goobta joogay madaxweyne Rayaale su’aalay “arintii ugu adkayd ee saamiqaybsiga kama aynu wada hadlin”, taasna waxa la sheegay inuu madaxweyne Rayaale kaga jawaabay “wixii aad ku dhici-waydeen anigaa ku dhacayee ii ansixiya uun”. Hadalkaas oo uu macnihiisu noqonayo hadii aad saamiqaybsigii samayn kari-waydeen anigaa samaynayee hadhow markaan idin horkeeno ii ansixiya.

Marka laga hadlayo qorshayaasha ama hindisayaasha qaarkood la soo jeediyey, qaarna la hadal-hayo waxa ka mid ah, in saamiqaybsiga lagu saleeyo sidii ay gobolada Somaliland kuraasta baarlamaanka u kala heleen lixdankii, sidoo kale waxa jira hindisayaal odhanaya waa in saamiqaybsiga lagu saleeyo sida ay hadda mudanayaasha aqalka wakiiladu u fadhiyaan. Sidoo kale waxa miiska yimi hindise meel-dhexe ah oo ka duwan lixdankii iyo sida hadda loo fadhiyo, kaas oo mar yimi miiska golaha wakiilada, ayna soo diyaariyeen guddi uu madax ka yahay gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee golaha wakiiladu cirka ayaa loo tuuray, ka dib markii uu khilaaf ba’ani ka dhashay, aragti midaysana laga yeelan kari waayey. Laakiin marka laga yimaaddo hindisayaasha ilaa hadda miiska yimi waxa jira qorshayaal kale oo aan weli soo shaac bixin, oo ay dadka qaar saadaalinayaan wax lagu salayn karo, waxaana ka mid ah hindise odhanaya waa in horta inta aan wax kale la gelin uu xisbi waliba soo gud-biyo 82 musharax, taas oo isu geyn noqonaysa 246 musharax, ka dibna tidada codadka ee uu gobol waliba ka helo tirad doorashada guud ku saami qaato, sidoo kalena ay xisbiyadu ku saamiqaataan tirada codadka uu ka helo codadka doorashada guud. Sidaa darteed waxay dadka saadaalinayaan inay suurtagal noqoto inuu madaxweyne Rayaale qaato hindisaha caynkaas ah, halka ay warar kalena leeyihiin mayee taa qaadan-maayee waxa uu soo wadaa qorshe u dhow kii ay soo bandhigeen guddigii uu mudane C/qaadir Jirde madaxda ka ahaa, halka ay tibaaxo kalena leeyihiin waxa suurta gal ah inuu qaato qorshe u dhow kii ay xisbiyadu dhowaan ku heshiiyeen, heshiiskaas oo ku salaysnaa lixdankii. Hase yeeshee ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya sida uu yahay iyo waxa uu ku salaysan yahay qorshaha cusub ee uu madaxweyne Rayaale la soo guuxayaa. Markase la eego khilaafka iyo aragtiyaha kala durugsan ee ay dhinacyada siyaasadda iyo dadweynuhuba ka qabaan qaabka loo dhigayo mawduuca doorashada wakiilada, gaar ahaana qoddobka xasaasiga ah ee saamiqaybsiga kuraasta wakiilada ee gobolada iyo degmooyinka waxa muuqata inay weli arintu cakirran tahay, iyadoo ay qorshayaasha dhawrka ah ee aynu kor ku soo xusnay mid walba ay jirto cid ka didaysaa oo leh hadii qorshaha caynkaas ah la keeno sinna uma asmacayno.

Khilaafka qoddobka saamiqaybsigu waxa uu taagnaa muddo gaadhaysa afar ilaa shan sannadood, taas oo ay marar badan golaha wakiiladu isku mari-waayeen, taasna waxa uu aakhirkii golaha wakiiladu ka fursan-waayey inay yidhaahdaan waa in saamiqaybsiga kuraasta lagu saleeyo tiro koob iyo diiwaan-gelin, taas oo ay ta ay ku saleeyeen xeerkii ay ansixiyeen. Laakiin madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisa ayaa xeerkaa aad uga qayliyey, kuna dhaleeceeyey labada gole ee baarlamaanka, isla markaana gebi ahaanba daadefeeyey xeerka ka soo baxay labada gole ee baarlamaanka, taas oo uu madaxweyne Rayaale maxkamadda dastuuriga ah u gud-biyey dacwad ka dhan ah xeerka ay baarlamaanku ansixiyeen, arintaasina waxay abuurtay khilaaf dastuuri ah cirka isku shareeray. Khilaafkaasna inkasta oo uu madaxweyne Rayaale kulamo turxaan-saar ah la yeeshay shirgudoonada baarlamaanka iyo mudanayaasha aqalka wakiilada, hadana ilaa hadda khilaafkaa dastuuriga ah ma jirto meel la yaqaan oo lagu tiiriyey, waana sheeko huursan oo laga baqe qabo inay mar kale qaraxdo, iyadoo ay wararka qaar leeyihiin wax kale iska daayoo xataa madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka ayaan arinta isku aragti ka ahayn, waxaase loo dheg-taagayaa bal waxa ka soo baxa madaxweyne Rayaale iyo aqalka madaxtooyada.

Dhinaca kalena dhawrkii maalmood ee u dambeeyey waxa suuqyada siyaasadda ee caasimadda Hargeysa laga dareemayey xarakaad hordhac u ah ololaha doorashada, taas oo la arkay dad badan oo dhabarka laga soo taabtay oo la yidhi waxaad tahay musharax golaha wakiilada, iyadoo ay dadkaasi sitaan waraaqo yar yar oo cadaynaya inuu musharaxiinta xisbiga ka mid yahay, waxaase dhaqdhaqaaqyada caynkaas ah laga dareemay xisbiga UDUB, sidoo kale xisbiga UCID ayaa dhaqdhaqaaq caynkaas oo kale ah laga dareemay, iyadoo ay qaar ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga UCID-na sheegeen inuu diyaar ka yahay liiskii musharaxiinta tartanka doorashada wakliilada uga qayb geli lahaa.
 

Top


“Musharixiintii Wakiilladu Waa Noo Diyaar, Arrinta
Saami-Qaybsigana Ahmiyad Ma Siinayno”

Taladu Waxay U Badan Tahay
In Wakiillada
La Fasaxo, Mushaharkoodana
Ay Iska Qaataan”
Afhayeenka UCID,
Naasir X. Cali – Wareysi

Hargeysa, March 22, 2005 (Haatuf) – “Anagu xisbi ahaan waxqabadka xukuumadda aad baanu u dhaliilaynaa, madaxweyne Rayaale markii la doortay wuxuu balan-qaaday inuu soo dhisayo gole wasiiro ah oo kooban oo Tayo leh, Taasise may suurtoobin, dadkuna waxay isku raacsan yihiin”, Sidaa waxa yidhi Naasir X. Cali Shire oo ah ninka xisbiga UCID u qaabilsan arimaha siyaasadda iyo af-hayeen-nimada xisbiga, wuxuuna sidaa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey weriyayaal Haatuf ka Tirsan. Wareysigaas oo uu kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin, Mawduuca dooddu ka taagan tahay ee doorashada, siyaasadda arimaha debedda iyo gudaha ee dawladda iyo guud ahaan xaaladda ay Somaliland waqtigan xaadirka ah ku jirto iyo sida ay u arkaan xisbi ahaan, wareysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Waxaad nooga warantaa hawlihiina Yurub iyo ujeedada booqashada aad ku timid Somaliland?
J: Runtii, waxaan ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga UCID, aniga oo laantii u horeysay ka furay dalka Sweden Maantana xisbiga UCID wuxuu laamo ku leeyahay dalalka Is-kaandaneefiyaanka, dalka Ingiriiska, Markaa hawsha aan hayey waxay ahayd isku xidhka laamahaa kala duwan ee xisbiga, iyadoo uu dal waliba leeyahay gudigiisa iyo masuuliyiintiisa gaarka ah. Dadka reer Somaliland ee ku nool debeduhu waxay ka qayb qaataan hawlaha iyo taakulaynta dib u dhiska dalka iyo inay dalalka debeda ka hawl-galaan wixii ay danta Somaliland ku jirto, haatana waxa aan ka soo maqnaa oo aan dalka joogay muddo laba bilood ah, aniga oo u soo guuray oo si raasmi ah u soo degay dalka si aan uga qayb qaato hawlaha siyaasadda iyo hawlaha uu dalka ka wada xisbiga UCID.

S: Maadaama laguu magacaabay xoghayaha siyaasada iyo afhayeenka xisbiga waxaad nooga waran hawlaha xisbiga iyo diyaar garawga aad ugu jirtaan doorashada baarlamaanka?
J: xisbiga UCID waa xisbiga 3-aad ee axsaabta qaranka, haatana waxaanu ku guda jirnay sidii xisbigu laamo uga wada furan lahaa gobolada dalka, waxaana ugu dambeeyey xafiis aan ka furnay magaalada Ceerigaabo, horena waxaa u furnaa xafiisyada Togdheer, Saaxil, Awdal iyo Hargeysa, hawlihii xisbiguna haatan meel fiican bay marayaan, maamulka goboladuna si fiican buu u shaqaynayaa, waxa qudha ee aanu sugaynaa in lagu dhawaaqo xiligii doorashada, Taasina ay keento inuu xisbigu si rasmi ah u bilaabo ololihii doorashada. Laakiin diyaar garawgii wuu noo dhanyahay, marka wakhtiga lagu dhawaaqana waanu bilaabaynaa ololaha.

S: Diyaar ma idiin yihiin musharixiinta wakiiladu, adiguse ma ku jirtaa musharixiinta?
J: Haa waa noo diyaar musharixiintu, aniguna waan ahay musharax, aniga oo iska soo sharaxaya gobolka Togdheer oo aan ku dhashay.

S: Haatan wuxuu muran ka taagan yahay qabashada doorashada wakiilada, markaa waa maxay mawqifka xisbigiina ee arintaa?
J: Anagu waxaanu ahmiyada 1-aad siinaynaa inay doorashada baarlamaanku dhacdo, Taas oo Somaliland u ah muhiim si uu dalku halka uu taagan yahay hore uga socdo, halka saami qaybsiga laga siinayo ahmiyada anagu ma siinayno, waayo golaha wakiilada ee haatan jira dad baa ku dulman, kuwaasi waxay siisteen Somaliland, sidii kale ee wax loo qaybiyaana cid uun baa wax ka taban doonta, markaa waxaanu aaminsanahay in cid kasta oo wax tabanaysaa ay Somaliland siisato, si ujeedada aynu leenahay aynu u gaadhno wixii aynu u soo halganay waynu haynaa ee waa in Somaliland sii socoto si aynu himiladeena u xaqiijino, Taas baana anaga ahmiyada koowaad noo ah. Waxaanad moodaa inaanay golayaasha sidii la doonayey uga soo bixin xilkooda, isla markaana aanay xukuumadu daba-galkii ay arintaa ku lahayd aanay fulinin, golaha guurtiduna muddo kordhintii la sameeyey 2003 daba gal kumay samayn go’aanadii ay gaadheen.

Laakiin wixii dhacay way dhaceen, balse waxa maanta inoo muhiim ah oo caalamku inaga sugayaa in doorashadii baarlamaanku ay dhacdo. Xataa maanta waxa la filayaa in wefti ka socda midowga Yurub uu dalka yimaado, waxa ugu weyn ee ay ina weydiinayaana waa halka ay marayso doorashadii baarlamaanku, markaa waxa inoo muhiim ah in doorashadii baarlamaanku ay dhacdo, qofkii wax tabanayaana uu Somaliland siisto, cadaaladdu way imanaysaa doorashadan ta ku xigta ayaynu istirin doonaa, qof kastaana wuxuu xaq u leeyahay wuu qaadan doonaa.

S: Muranku wuxu ka taagan yahay tira-koobka dadka iyo sugidda xuduudaha dalka, miyaanay ahayn laba qodob oo muhiim ah?
J: Anagu waxaanu u aragnaa inaan labadaa qodob inaga hor joogsan doorashada, oo aanu u aragno inay wax walba ka muhiimsan tahay, waayo su’aashu waxay tahay baarlamaan beelaysani ma ina anfacayaa wakhtigan xaadirka ah, jawaabtu waa maya, sababta taa keenaysaana waxa ka mid ah:
 Aduunyada marka heshiisyo caalamiya la gelayo waxa lala galaa baarlamaan la soo doortay oo axsaab kala duwan ka kooban
 Hadii dal laga hirgelinayo maalgelin waxa shuruucda lagu ansixiyaa baarlamaan la soo doortay.
 Ta kale waxay tahay waxa inoo muhiim ah in axsaabta ay soo galaan oo ay ka qayb-qaataan goobaha go’aanada dalka lagu gaadhayo ee maaha inay debeda iska taagnaadaan.
 Baarlamaanka Imbagaati iyo baarlamaankeenii 15 sanno ka hor la dhisay maaha inay isku mid noqdaan ee waa inaynu in badan ka horayno oo uu caalamku qiro, labadeenu inaynaan ahayn wax la isbarbar dhigi karo. Caalamkuna wuxuu diyaar u yahay in gacan la inagu siiyo iyo in mashaariic la inoo furo.

S: wax wada tashi ah ma ka yeelateen axsaabta, xukuumada iyo komishanka arintan?
J: wax wada tashi ah oo hada u socdaa ma jiro, balse hore ayaanu uga yeelanay axsaabta muddo yar baanuna axsaab ahaan iskula meel dhignay arintii ugu adkayd oo ah saami qaybsiga ka dibna bayaan ayaanu u gudbinay madaxweynaha, anagoo cadaynay inaanu ka soo hor-jeedno muddo kordhin, xukumadaana isku maqan maalmahana, iyagaa is-jafaya, balse waxa muhiim ah inaanay arintaasi mudo ka qaadan. Komishanku waxay sheegeen inay muddo 4 bilood ah u bahaan yihiin marka wakhtiga loo sheego hadii aynu Taa u eegnana waxay doorashadu ku beegnaan karaysaa bisha July, wakhtigii golaha haduna wuxuu ku egyahay bisha May, markaa waa la isweydiiyey waxa la yeelayo mudadaa, waxaan Taladu u badan tahay in wakiilada la fasaxo, doorashadana ay isku diyaariyaan, mushaharkoodana ay qaataan inta doorashadu dhacayso.

S: Sideed u aragtaa guud ahaan xaaladda gudaha ee dalka?
J: wax qabadka xukuumada anagu xisbi ahaan aad baanu u dhaliilaynaa, oo may samayn wixii laga filayey oo ay ugu horeyso madaxweyne Rayaale wuxuu balan qaaday inuu soo dhisayo gole wasiiro oo kooban oo tayo leh, Taasi may suurtoobin, dadkuna waxa ay isku raacsan yihiin in aanay xukuumadu qaban wixii laga filayey. Markaa waxaynu u baahannahay baarlamaan adag oo la soo doorto oo kaaba diciifka ka muuqda dhinaca Fulinta ama xukuumadda.

S: Siyaasada debeda ka waran iyo saamaynta ay inagu yeelan karayso ciidamada la keenayo Somaliya?
J: Runtii wasiirka arimaha debeda waan ku amaanayaa dedaalkeeda, Somaliland-na meel fiican bay maraysaa. Dawladda Imbagaati markii la dhisayey aduunyadu way inoo cadaysay inaanay shaqo ku lahayn Somaliland, mana wadahadli karno, ilaa aynu noqono laba dal oo siman, xisbi ahaana wefti uu hogaaminayo gudoomiyuhu ayaanu ku marnay dalalka Scandinavian-ka anagoo la kulanay masuuliyiimta iyo wasiirada arimaha debada ee dalalkaasi, waxaananu ka soo dhaadhicinay mawqifka Somaliland iyo inaan nabada Somalia laga samaynayaa wax yeelo u geysan Somaliland taasoo ay nagu waafaqeen.
Dhinaca ciidamada la keenayo Soomaaliya waxaad moodaa inay wadato cid gaar ahi, looguna talo galay cid gaar ah, C/laahi Yuusuf markii la doortayba wuxuu ku dhawaaqay inuu doonayo 20,000 oo ciidan ah isagoo aan ka ansixin wasiiradiisa iyo baarlamaanka. Waxa kale oo aan la yaabay maalin dhoweyd oo BBC-du ay waraysanaysay dadka Soomaaliya waxa ciidamada in la keeno taageeray dadka gobolka Majeerteeniya oo keliya, Taasi waxay muujinaysaa in cid gaar ah loogu talo galay.

S: Maalin dhoweyd waxa la sheegay in C/laahi Yuusuf iyo madaxweyne Rayaale ay wada xidhiidheen, markaa sideed xisbi ahaan u aragtaan?
J: Runtii ma jiro wax cadaynaya in madaxweyne Rayaale iyo C/laahi Yuusuf ay wada hadleen, oo dhowaanba waxa la sheegay inuu C/laahi Yuusuf beeniyey inay Rayaale wada hadleen. Hadiise uu wada hadal imanayo waxaanu qabnaa inaanu noqon xidhiidh laba qof ee loo wada hadlo laba dal ee siman.

N/B Eng. Naasir Xaaji Cali waxa uu mudadii hore ahaa gudoomiyaha UCID ee Yurub, haatana waxa loo magacaabay xoghayaha siyaasada iyo afhayeenka xisbiga UCID isagoo ka soo guuray Sweden oo uu deganaa. Naasir waxa uu ku dhashay magaalada Burco, sannadkii 1960-kii, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare, ka dib waxa uu jaamacad ka galay Muqdisho, ka dibna waxa uu u wareegay magaalada Qaahira oo uu ka qaatay darajada PHD, mudadii uu Qaahira deganaana waxa uu weriye ka ahaa Laantii Af-soomaaliga ee Idaacada Qaahira.
 

Top


“Reer Awdal Haddii Ay Doorashada Baarlamaanka Ka Dhex Arki
Waayaan Saami Cadaalad Ku Fadhiya, Kama Qayb-Gelayaan”
Maxamed Xaaji Hadliye – Siyaasi Reer Somaliland Ah

Waxaa baryahaba dalka Somaliland ka socota doodo iyo muran ku wajahan xaalada doorashooyinka Baarlaamaanka (Golaha Baarlamaaka) oo ah dadkii masali lahaa dadweynaha Degaamaada Somaliland,degaamadaasi oo inta badan ku saleysan qabaa’il .Waxaa hubaal ah in doorashooyinku dalkeena ku cusubyihiin bulshadeednuna ayna weli u bislaan dooroshooyinka..Waxaanu dadku ka walwalsan yihiin habka saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka,kuwaasoo tibaaxaya in habka saami qaybsiga lagu salaynayo habkii lixdankii.

Hadii dib loo raaco saamigii uu ahaa mid aan cadaalada daro ku jirto, iyadoo ay dhacday in degmooyin ka tirasn degaanada Somaliland ku waayeen kursigii vote dhan ilaa 10.000 cod,halka degaamo kale ku soo baxeen ilaa 1500 cod xubintii baarlamaanka ,arrintaasi oo si waadax ah u muujinaysa cadaalad xumadda ka jirtay waqtigaasi.45 sanno ka dib,Somaliland waxay dib ula soo noqotay gobonimadeedii iyadoo maanta higsanaysa in ay ka mid noqoto Qaran adduunka ka jira, waxaana la sugayey in la saxo khaladaadkii horey u dhacay ee dhinaca saami qaybsiga.
Waxaan shaki ku jirin in ay tirada dadka reer Somaliland toban jibaarmeen, islamarkaasna dhinac kasta ay ka koreen,hadii ay noqon lahayd dhinaca garaadka siyaasiga,horumarka iyola socoda waayaha addunka oo ay arkeen.

Waxaana hubinta ah in dadka Reer Somaliland, si ay u dhistaan qarankooda in badan isu-tanaasuli jireen, iyagoo wadatashi iyo is afkarad ku dhamayusan jirey wixii khilaaf ah.

Dhinaca kale, waxaa ayaan daro ah dawaladda hadda jirta iyo kuwii ka horeeyey oo aanay midina dejin qorshe tafatiran oo tirakoob dalka lagaga sameeyo, iyadoo ay keliftay in Dalku galo marxalad adag, murugsan oo madow, loona baahan yahay in si wada jir ah la iska kaashato. 3 xisbi oo dalka laga aqoonsayahay oo qudhigoodu ahayd in wax la isu soo dhaweeyo,waxay ku baaqeen wax aan ka duwanayn saamigii gumeusigu ka tagay lixdankii,iyagoo aan ka fikirin islamarkaasna aan qiimeyn dareenka dadku sida u yahay iyo saameynta ay ku yeelan karto arrimaha doorsahada baarlamaanka dalkeena. Labada Gole ka dib markii ay ka baaraan dageen, islamarkaasna Goboladda iyo degmmoyinka dalkeena u kala direen Gudiyo xaqiiqo raadin ah, soo arkeen dareemada dadka, waxay ka fursan waayeen in si cadaalad loo helo in dalka laga sameeyo tirakoob rasmi ah oo bulshada reer Somaliland wax ku qaybsan karto cid yar iyo cid badanba .Taasina waa midhka kaliya ee ugu dhow dhinaca saami-qaysbiga.

Aarar: Ka dib dadka reer Awdal iyo qaar kaleba, waxay sameeyeen tanaasulaad badan, iyagoo xeerinaaya jiritaanka qaranka Somaliland iyo balamadii hore loo galey, Taasoo keentay in ay qaataan saami aad uga hooseeya waxay xaq u lahaayeen, taasina waxaa loo ogolaaday isutanaasulaad beelaha dhexdooda ah badbaadinta jiritaanka Qaranka Somaliland awgeed.iyadoo islamarkaasna aan wax lagu sargooyey ayna jirin saami qaybsigaasi aan kor ku soo sheegnay.Waqtigan lagu jiro,dad badani,waxay ku jahawareersan yihiin go’aamada kala duwan ee xukuumada,Golayaasha Qaranka ,Maxkamada sare iyo 3 xisbi qaran.

Dhinaca kale, waxaa dareemo isa soo taraya oo dadka qaarkii ugu ololaynayaa Awdal in Reer Wadal habkii saamiga lixdankii ogolaadaan,culeysna ku haya Madaxxweynaha Somaliland in u saaro Reer Awdal culays ay ku ogolaadaan saamiga tidhaa 60kii Cid kastaba ha ka timaadee ,Reer Awdal kaga qayb gali maayaan doorashada Golaha Wakiilada ee soo socota saami qoondaysan oo ku salaysan habkii lixdankii,waxayna ka dhursugi doonaan ,inta laga helaayo tirakoob sax ah oo cadaalada ku dhisan iyo (one man one vote ), iyagoon qaybtii kuraasta ee lixdankii gudiyadii qabshay saamiga ayna ku jirin Beelaha Gobolka Awdal (Gadan-guursi iyo Ciise), kumay jirin, markaa iyaga ma khusayso.
Gabagabo
 Reer Awdal ka tanaasuli maayaan xaqa ay leeyihiin saamiyada kuraasta Labada Gole iyo Xukuumada.
 Madaxweynaha Somaliland xaq Reer Awdal ay leeyihiin kama qaadi karo, mana siinaayo xaq ayna lahayn, sida beelaha kale oo dhan.
 Reer Awdal hadii ay arrimaha socda ee ku wajahan doorashooyinka Baarlamaanka ay ka dhex arki waayaan saami cadaalada ku fadhiya oo raali geliya dhamaan beelaha Somaliland, waxay aaminsan yihiin Reer Awadal in ayna ka qayb qaadan doonin doorashooyinka Golaha Baarlamaaka , inta laga helaayo tirakoob cadaalad ku dhisan.
 Reer Awdal waxay leeyihiin maxaa xoog iyo khiyaamo la isugu muquuninayaa, maa la kordhiyo kuraasta sidii horaba u dhacday.
Maxamed X. Hadliye, Siyaasi Reer Somaliland
 

Top


Baarlamaanka Iyo Xukuumadda Mbagathi Oo Midba Magaalo U Guurayo

Nairobi, March 22, 2005 (Haatuf) – Golaha wasiirada ee dawlada Imbagathi ayaa shalay shir ku yeeshay magaalada Nairobi, shirkaasi oo uu gudoomayey ninka ra’iisal wasaaraha ka ah xukuumaddaa Cali Maxamed Geedi waxa uu bilowday barqadii shalay, wuxuuna socday muddo dhawr saacadood ah, iyadoo lagaga hadlay ama lagaga dooday arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin halka ama magaalada ay dawladdaasi degi doonto marka ay Soomaaliya tagto.

Laba magaalo mid uun in la go’aamiyo inay dawladu degto ayuu miiska soo dhigay ninka ra’iisal wasaaraha ahi, waxayna labadaa magaalo kala yihiin Jawhar ama Baydhabo, isaga oo gebi ahaanba meesha ka saaray Muqdisho, hase yeeshee arrintaasi waxay khilaaf kulul ka dhex abuurtey xubnaha wasiirada ah ee shirka fadhiyey, waxaana dhexmartay dhinacyadii iska soo horjeeday dood kulul oo faraha lagaga gubtey, laakiin ninka ra’iisal wasaaraha ayaa markii dambe soo jeediyey in loo codeeyo magaalada ay dawladdu dageyso, waxaase arrinta codaynta si adag uga soo horjeestey, kuna tilmaamay arrin qayra sharci ah xayn wasiiro ah oo u badan, wasiirada ka soo jeeda deegaanka Muqdisho.

73 xubnood ayey ahaayeen wasiiradii shirkaa ka qayb galay, hase yeeshee markii uu ra’iisal wasaaruhu yidhi waxa loo codaynayaa magaaladii ay dawladdu degi lahayd ayey ugu yaraan 10 wasiir shirkii debada uga boodeen, waxaana ka mid ahaa wasiiradaa Maxamuud C/laahi Jaamac (Sifir), Maxamed Qanyare Afrax, Cismaan Xasan Cali Caato, Cumar Maxamuud Maxamed (Finish), Bootaan Ciise Caalin iyo xubno kale, laakiin inkasta oo ay xubnahaasi shirka ka dareereen, haddana ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi cod buu qaaday, waxaanay isku raaceen wasiiradii meesha ku hadhay inay dawladoodu degto laba meelood oo kala ah Baydhabo iyo Jawhar, taas oo uu ra’iisal wasaaruhu degi doono Jawhar, madaxweynuhuna Baydhabo.
Cali Maxamed Geedi isaga oo ka hadlaya sababta ay Muqdisho u degi waayeen waxa uu yidhi. “Muqdisho waxa yaal hubka iyo maleeshiyooyinka ugu badan, dawladduna kuma shaqayn karto”.

Dhinaca kalena waxay baarlamaanka Imbagathi wadaan olole xoog leh oo ku saabsan inay baarlamaankoodu u guuraan magaalada Muqdisho, taas oo ay ilaa 160 xubnaha baarlamaanka ahi isu diiwaan geliyeen inay Muqdisho u guuraan, waxaana socda diyaar-garaw ku saabsan qaabkii loo daad-gureyn lahaa xubnaha baarlamaanka, waxayna sheegeen inay ka go’antahay inay Muqdisho degaan.

Sida ay sheegeen warar laga soo xigtey xubnaha baarlamaanka Imbagathi waxay sheegeen marka ay Muqdisho tagaan inay C/laahi Yuusuf ugu baaqi doonaan inuu muddo 45 cisho ah Muqdisho ku soo dego, haddii uu sidaa yeeli waayana ay talaabo ka qaadayaan. Hase yeeshee afhayeenka C/laahi Yuusuf oo magaciisa la yidhaahdo Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari) oo wax laga weydiiyey mawqifka baarlamaankooda ayaa sheegay inay ka war hayaan qorshaha barlamaankooda, laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo sida ay xukuumadda C/laahi Yuusuf ka yeelayso, haddii uu baarlamaanku Muqdisho u guuro, isaga oo sheegay inay arrinta ku saabsan halka ay dawladu degayso ka wada shaqaynayaan guddi ka kooban urur goboleedka IGAD iyo xubno xukuumadda C/laahi Yuusuf ah.

Sida muuqata baarlamaanka iyo xukuumadda Imbagathi waxa ka dhex oogan khilaaf meel xun gaadhay oo ay adagtahay in dib loo soo dabaalo, iyadoo ay C/laahi Yuusuf iyo ninka gudoomiyaha ka ah baarlamaanka Shariif Xasan ay si weyn u kala fogaadeen, taas oo uu Shariif Xasan yahay ninka sida ugu ololaynaya inay baarlamaankiisu degaan magaalada Muqdisho, kana soo horjeeda qorshaha ay wadaan C/laahi Yuusuf iyo Ra’iisal wasaarihiisa Cali Maxamed Geedi, isla markaana khilaafka ka dhex muuqda hogaamiyayaasha baarlamaanka iyo xukuumadda Imbagathi ka sokow waxay wararka Nairobi ka imanayaa tibaaxayaan inay dawladaha beesha caalamka laftoodu arrinta ku kala aragti duwan yihiin, taas oo ay wararku leeyihiin dawladaha beesha caalamku waxay kala taageersan yihiin labada dhinac, laakiin ilaa hadda wax isku badheedhay oo si cad labada dhinac ula kala safan urur goboleedka IGAD iyo ururka jaamacada Carabta, taas oo ay dawladaha ururka jaamacada Carabtu si cad uga soo horjeesteen in ciidamo shisheeye la geeyo Soomaaliya gebi ahaan, sidaana waxa sheegay ninka jaamacada Carabta u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

 

Top


“Marka Aynu Dhaqaalaheena Xoojino, Aqoonsigu Wuu Iman Doonaa”
Jawaahir Maxamed Cali Sh. Madar, Wakiilka Maal-gashiga Somaliland

Hargeysa, March 22, 2005, (Haatuf) – “Dadka debadaha ee maalgashiga samaynayaa waxay ka fekeraan caymis iyo damaanad qaad, haddana intaa dad baanu keenaa, waxayna ku imanayaan xidhiidhka iyo macrifada fiican ee naga dhaxeeya” sidaa waxa tidhi Jawaahir Maxamed Cali Sheekh Madar oo ah Gabadh reer Somaliland ah oo u ololaysa maalgashiga, isla markaana uu Madaxweyne Rayaale August sannadkii hore u magacaabay wakiilkiisa isku dubaridka hawlaha maalgashiga Somaliland, waxaanay Jawaahir sidaa ku sheegtey wareysi kooban oo ay xalay fiidkii siisay Wargeyska Haatuf.

Jawaahir iyada ka hadlaysa hawlaha maalgashiga Somaliland ee ay u ololayso waxay tidhi. “Anigu Somaliland waxaan u qaabilsanahay sidii wadanka Somaliland loogu samayn lahaa maalgashi, dadyaw badan oo aan aqaanana waxaan doonayaa sidii ay xagga dhaqaalaha wax inoogala qaban lahaayeen, waxaanan doonayaa inay marka hore wadanka yimaadaan oo ay nala arkaan oo ay inaga caawiyaan waxyaabaha aynu u baahanahay. Masalan dhuxusheena oo kale geedaheenii baa la goynayaa, dhuxushiina wadankii bay ku jirtaa, iyadoo ay qodayaan, soo saarayaan, maalgelintiina samaynaya taas oo shaqo inoo abuureysa, waxaanay taasi ka hortegaysaa dhirteena la goynayo.”

Jawaahir waxay sheegtey inay dalal badan oo dunida ah socdaalo ku galaa-bixisay, iyadoo baadi-doon ugu jirta sidii ay maalgashi caalami ah iyo mid qurba reer Somaliland ahba u soo heli lahayd, waxayna iyada oo ka hadlaysa dalalka ay booqatay tidhi: “Waxa aan tegay oo aan booqday wadamada India, Malaysia iyo South Africa, waxaanan meelahaas kula kulmay dad maalqabeeno ah iyo madax dawladeedba, waxaanan kala hadlayey sidii wadankeena u maalgashan lahaayeen, waayo marka uu dhaqaalaheenu wanaagsanaado cid waliba iyadaa inoo iman doonta, markaa waa inaynu ka shaqayno sidii wadankeena aynu wax ugu qaban lahayn”. waxaanay intaa raacisay. “Dadkayga waxaan leeyahay hadal laga soo xigtey madaxweynihii hore ee Maraykanka John F. Kenedy, kaas oo ahaa “isweydii wixii aad dalkaaga u qaban lahayd, laakiin maaha inaad iweydiiso wixii wadankaagu kuu qaban lahaa. (Ask what you can do for your country, not what your country can do for you)., markaa waxaan leeyahay aqoonsi iyo wax walba waynu heli haddii aynu wadankeena ka shaqayno oo aynu horumar samayno, dhibaatada ka ilaalino”.

Jawaahir oo ka jawaabaysa cida ay la kulantay iyo waxa ay kala hadashay maalqabeeno ay sheegtey inay kula kulantay wadanka Malaysia waxa ay tidhi. “Waxa aanu la kulanay dad maalqabeeno ah oo aanu aqoon isku leenahay, waxyaabaha aanu kala hadalnayna waxa ka mid ah sibidhka iwm. Waxaanan rajaynayaa inay dhawaan wadanka yimaadaan oo ay dawlada is-arkaan, markaas ayaanu war faah-faahsani ka soo bixi doonaa”.

Jawaahir oo aanu weydiinay bal sida ay u aragto xaalada uu imika wadanku ku sugan yahay, waxa tidhi. “Waxa aan ka xumahay oo aan maqlayaa intii aan joogay, dad aan isku aragti ka ahayn doorashada baarlamaanka oo kale, oo ay qolaba fikrad gaar ah leedahay, markaa dadka waxaan leeyahay doorashadu way dhici doontaa waanay iman doontaa, markaa waa inay ka shaqeeyaan midnimadooda, Somaliland waxay ku faantaa waxa weeye nabadgelyadeeda, oo weli dad la aqoonsaday ma nihin, markaa waxaan kula talinayaa dadkayga inay nabadgelyadooda ilaashadaan oo wax rabshad ah la iska ilaaliyo”.

Jawaahir oo la weydiiyey sida ay u aragto inay Somaliland aqoonsi iyo horumar dhaqaale ku gaadhi karto waxa ay ku jawaabtey. “Aniga taladaydu waxa weeye Somaliland dhaqaalaheeda inaynu xoojino, oo dhaqaalaheenu uu meel fiican gaadho, dalkeena waxa ku jira kheyraad badan, sidii loo soo saari lahaana lagu dedaalo, markaa aqoonsigu wuu iman doonaa markaynu xoog dhaqaale yeelano, waxa kale oo aan leeyahay dalalka deriska ahna inaynu xidhiidh fiican la yeelano, marka aynu dalalka deriskeena ah xidhiidh fiican la yeelano ayeynu kuwa kalena u gudbi karnaa oo xidhiidhkeenu fiicnaan karaa”.

Hase yeeshee ugu dambayn waxa aanu weydiinay Jawaahir su’aal ahayd “Sidee bay kula tahay inaad dal aan la aqoonsan maalgashi u raadiso?” waxaanay ku jawaabtay. “Run ahaantii aad bay u adagtahay, waayo dadka debada ee maalgashiga samaynayaa waxa ay ka fekeraan caymiskii, iyo damaanad-qaadkii, oo ah maalgashi ha sameeyaan’e waxay ka fekeraan sidii ay u soo celin lahaayeen dhaqaalahaa, markaa maadaama aan dalka la aqoonsan waa hawl aad iyo aad u adag, haddana intaa waanu wadnaa oo dad baanu keenaa, taasoo ku salaysan xidhiidhka iyo macrifada fiican ee dadkaa naga dhaxaysa ayuun baanay Somaliland ku imanayaan, waase arrin aad u adag ka hawlgalkeedu”.
 

Top


“Waxaan Ku Mashquulsan-Nahay Maqaal Joornaalka Lagu Qoray Oo La Igu Ceebeeyay”Riwaayad Lagu Soo Bandhigay Ceerigaabo

Ceerigaabo, March 22, 2005 (Haatuf) – Barnaamij riwaayad ah iyo weliba filimo dhukmanteri ah oo la xidhiidha wacyi-gelin ku saabsan dhinacyada doorashada baarlamaanka iyo nabadgelyada ayaa shalay loo bandhigay dadweynaha reer Ceerigaabo, waxaana barnaamijkan wacyi-gelinta ah ee riwaayadda lagu soo bandhigay wada jir u daadihinaya hayadda Akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland iyo hayadda UN-Habitate, sidaana waxa ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag, C/rashiid Xasan Cabsiiyey.

Riwaayaddan oo lagu soo bandhigay badhtamaha magaalada waxay ahayd mid ay dadweynihii daawanayey aad u xiiseeyeen muuqaalada lagu soo bandhigay, waxaana ka mid ahaa muuqaalada ugu waaweyn ee ay dadku aad u xiiseeyeen muuqaallo ay jilayaasha riwaayaddu ku meteleyeen dad reer guuraa ah oo xafiiska maayarka degmadaa u yimi in laga caawiyo xaaladda abaarta, taas oo uu maayarkiina ugu jawaabay “waxaad ka hadlaysaan anigu ma maqlayn, aadna waanu u xanaaqsanahay, waxaana ku mashquulsanahay inaan ka jawaabo maqaal la igu ceebeeyey oo uu nin yari ku qoray wargeys (joornaal), taas ma dhibaato ka weyn baa jirta”.

Waxa kale oo ka mid ahaa muuqaaladii dadka soo jiitay ee ay aad u xiiseeyeen mar ay jillayaashu metelayeen sida loo maamulo dhulka, hantida qaranka sida loo ilaaliyo iyo sida ay qabyaaladdu ninka xun u taageerto. Laakiin arinta kale ee xiisaha lihi waxay ahayd kooxda fanaaniinta ee riwaayadda dhigayey oo saarnaa baabuur dushii, taasna waxa keentay cabsi dhinaca nabadgelyadooda ah oo ay qabeen kooxda fanaaniinta ahi, waxayna cabsidaasi ka dhalatay ka dib markii ay kooxo wadaaddo ahi u ololeeyeen inaan riwaayaddaa la soo bandhigin, laakiin way ku guuldaraysteen inay joojiyaan dhigista riwaayaddaa, sidoo kalena ciidamada bilayska ayaa heegankoodii ilaalinta nabadgelyada laban-laabay ka dib markii ay soo baxday inay koox wadaaddo ahi ku mashquulsan yihiin inay horjoogsadaan dhigista riwaayaddaa. Isla markaana waxay taasi keentay inay bilaysku xidh-xidhaan ilaa saddex ka mid ah kooxdan wadaada ah iyo weliba baabuur xaajiyad ah oo ay leeyihiin ururka la yidhaahdo Wanaag-farista iyo xumaan-reebista, iyadoo sarkaalka ka tirsani sheegay in arintooda la baadhayo.

Barnaamijkan wacyi-gelinta ah ee riwaayadda lagu soo bandhigay waxa hore looga soo sameeyey degmooyinka Ceel-afweyn iyo Gar-adag, isla markaana marka la eego muuqaalada ay dadku xiiseeyeen waxa ku jiray muuqaallo badan oo ay dadka reer Ceerigaabo bar-bardhigeen maamulka golahooda degaanka, iyadoo isla gelinkii dambe shalay riwaayadda mar kale lagu soo bandhigay garoonka DAALLO, halkaas oo daawashadaa riwaayaddaa ka soo qayb galeen boqolaal dadweynaha reer Ceerigaabo ahi.

Barnaamijkan wacyi-gelinta ah ee ay Akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland iyo hayadda UN-Habitate gobolka ka wadaan shalay uun bay dadka reer Ceerigaabo ku war-heleen, laakiin xubno ka tirsan ayaa sheegtay inay hore u sheegeen inuu barnaamij caynkaas ahi soo socdo, lamase oga meel ay ka sheegeen, marna lama arag meel fagaare ah oo ay arintaa ka sheegeen.

 

Top


Ganacsatada Caanaha Suuqa Gobanimo Oo Loo Qaybiyay
Boosaska Hangarada Cusub

Hargeysa, March 22, 2005 (Haatuf) – Ganacsatada Danyarta ah ee ka ganacsada caanaha, ayaa shalay loo qaybiyay boosaska looga jeexay Saddex Hangar oo loogu talo-galay in la dejiyo Ganacsatada danyarta Caanaleyda ah ee Suuqa Gobanimo, kadib markii toddobaadkii hore laga raray goobihii ay hore ugu ganacsan jireen ee Suuqa Gobanimo.Xaflad munaasibaddan loogu talo-galay oo shalay ka dhacday Hoolka Xarunta Hay’adda Shaqaalaha ee Hargeysa, ayaa waxaa ka soo qayb-galay Ku-xigeenka Maayarka Caasimadda Hargeysa, Maxamed C/laahi Uur-cadde, Xoghayaha Maamulka Suuqa Gobanimo Cali Aw Xasan Jaamac, Ku-simaha Xoghayaha Fullinta ee Dawladda Hoose, Maxamed Jaamac Colow, Agaasimaha Waaxda Dhulka Dawladda Hoose ee Hargeysa, Xaashi Cumar Cige iyo boqolaal haweenka ganacsatada caanaleyda ee suuqa Gobanimo.

Munaasibaddan oo haweenka ganacsatada caanaha loo qaybinayay 308 boos oo ay ka kooban yihiin saddex Hangar ee loo qorsheeyay in la dejiyo ganacsatada Caanaleyda ah, ayaa waxaa ugu horeyn halkaas ka hadlay Xoghayaha Maamulka Suuqa Gobanimo, Cali Aw Xasan Jaamac, waxaanu haweenka ganacsatada caanaha u sheegay in ay maanta (shalay) isugu keeneen si loogu qaybiyo boosaska saddex Hangar, isagoo xusay inay dedaal dheer u galeen sidii ay haweenka ganacsatada ah cadceeddii dusha ka saarnayd iyo qashinkii ay markii hore caanaha ku dhex iibin jireen uga rari lahaayeen ee ay meel nadiif ah oo hadh leh u dejin lahaayeen.

Maayar-xigeenka caasimadda Hargeysa, Maxamed C/laahi oo isna halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa haweenka ganacsatada ah ka dalbaday in ay ka raali noqdaan haddii ay cidhiidhi dhinaca boosaska ahi timaado, isagoo tilmaamay in ay taas loo sameeyay sidii dhammaan haweenka ganacsatada ah cadceedda looga kaxayn lahaa.Intaas kadib, Agaasimaha Dhulka ee dawladda hoose ee Hargeysa, Xaashi Cumar, ayaa bilaabay yeedhinta liiska magacyada 308 haweenka ganacsatada caanaha ee loogu talo-galay 308 boos ee saddex hangar ee ganacsatada Caanaleyda Suuqa Gobanimo, iyadoo qofkii magaciisa la yeedhiyaaba gacanta geliyay Sanduuq ay ku jiraan waraaqo lagu soo dhigay lambarada boosaska, taas oo loogu talo-galay in qof waliba nasiibkiisa ugala soo baxo booska uu ku yeelanayo Hangaradaas saddexda ah, looguna diiwaan-geliyo lambarka booska uu helay.

Geba-gebadii munaasibaddaas ayay masuuliyiintii Maamulka Suuqa Gobanimo waxay si rasmi ah ugu wareejiyeen haweenka ganacsatada caanaha, boosaskii saddex Hangar, waxaanay ganacsatadu goobtaas ka bilaabeen sawaxana isugu jiray, sacab, mashxarad, ciyaaro iyo is-fooladayn, iyagoo ay ka muuqatay farxad badani.

Saddexdan Hangar ee ganacsatada caanaha lagu wareejiyay shalay ayaa sida ay sheegeen Maamulka Suuqa ganacsiga ee Gobanimo, waxay ka mid yihiin toddoba Hangar oo ay dhowaan dhismahooda dhammaystireen, kuwaas oo loogu talo-galay in ay galaan oo loo soo raro ganacsatada dan-yarta ah ee caanaha, khudradda iyo hillibka ka ganacsada. Sidoo kalena, waxaanay masuuliyiinta Suuqa Gobanimo sheegeen in sidoo kale maalmaha soo socda la bilaabi doono soo rarista ganacsatada dan-yarta ee khudaarta iyo hillibka, kuwaas oo iyagana la dejin doono afarta Hangar ee hadhsan.
 

Top


Ciidamo Gaar U Ah C/laahi Yuusuf Oo Lagu Diyaariyay Duleedka
Gaal-Kacayo

Gaalkacayo, March 22, 2005, (Haatuf) – Ciidamo tiro badan oo loo diyaarinayo inay noqdaan ilaalada C/laahi Yuusuf marka uu soo dego meel Soomaaliya ka mid ah ayaa lagu ururinayaa magaalada Gaalkacayo.Sida ay wararku sheegeen in ka badan 1000 askari oo wata tikniko iyo hub badan oo kala duwan ayuu maamul goboleedka Puntland ku diyaarinayaa duleedka magaalada Gaalkacayo, waxaana la sheegay in dhawaan loo rari doono dhinaca koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Ciidamadan oo sida la sheegay ka kooban ciidamadii maamul goboleedka Puntland, waxay sii degi doonaan halka loo qorsheeyey inuu C/laahi Yuusuf dego oo noqon doonto Baydhabo ama Jawhar, waxaana diyaarinta ciidamadaa gacanta ku haya niman saraakiil ah oo ay ka mid yihiin C/Risaaq Af-Guduud iyo Dhiig Sokeeye oo labaduba ka mid ah ragga uu sida weyn u aaminsan yahay C/laahi Yuusuf.

Ciidamada lagu ururiyey duleedka Gaalkacayo waxay wararku sheegeen inay la hawlgeli doonaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku soo fool leh Soomaaliya, si ay hubka uga dhigaan maleeshiyaadka hubaysan ee Muqdisho u badan, isla markaana waxay ciidamada Gaalkacayo lagu ururiyey si gaar ah u sugi doonaan amaanka C/laahi Yuusuf oo la leeyahay waxa uu u muuqdaa inaanu aamini karin cid aan ahayn ciidamo ka soo jeeda qabiilka uu ka dhashay.

 

Top


Idaacad Madax-Banaan Oo Somaliland Ah Oo Markii U Horeysay
Xalay Codkeeda La Maqlay

 Hargeysa, March 22, 2005, (Haatuf) – Idaacad cusub oo af-Soomaali ku hadasha ayaa xalay markii u horeysay codkeeda laga maqlay warbaahinta internet-ka.
Idaacadaas oo magaceeda la yidhaahdo Radio Horyaal, habeenkii xalay abaaro 8:30 ayaa la filayey inay hawada soo gasho, hase yeeshee nooma ay suurto gelin inaanu codka Idaacadaa ka maqalno Raadyowga, waxaanuse ka dhegeysanay warbaahinta internetka, taas oo ay masuuliyiinta Idaacadaasi hore u sheegeen in Idaacadaa 8:30 ilaa 9:00pm laga bilaabo xalay (21/03/05) laga dhegeysan doono mawjadaha 25-ka iyo 19-ka ama hirarka 12130KHz, isla markaana laga maqli doono wadamada bariga Afrika iyo khaliijka Carabta.

Idaacadani markii ay soo gashay waxa lagu furey aayado qur’aan ah, ka dibna waxa laga sii daayey barnaamijyo kala duduwan oo isugu jira warar, wareysiyo, barnaamijyo gaar ah iyo heeso.Idaacadan oo la sheegay inay tahay Idaacad madax banaan waxa madax ka ah ninka la yidhaahdo Dr. Axmed Xuseen Ciise, wuxuuna Axmed sheegay inay Idaacadan sababta loo abuurey tahay ka dib markii ay Idaacada Radio Hargeysa dabooli weyday baahida Idaacadeed ee wadanka.
Sidoo kale Dr. Axmed Ciise waxa uu wareysi lala yeeshay ku celceliyey inay Idaacadani hormood u tahay xoriyatul-qawlka iyo inay tahay Idaacad loogu talogalay in laga baahiyo codka shacabka Somaliland.

Waa markii u horeysay ee la maqlo Idaacad codka Somaliland ku hadasha oo aan ahayn Idaacada Radio Hargeysa.
 

Top


Gabiley: Roobab Da’ay Oo
Khasaare Geystay

Gabiley, March 22, 2005 (Haatuf) – Dugsi H/dhexe oo ku yaal Tuulada Boodhley oo ku taal degmada Gabiley ayey khasaare soo gaadhsiiyeen roobab Toddobaadkii hore ka da’ay degaamada Gabiley, waxaana safafku ka duulay ilaa Afar fasal oo dugsigaa ka mid ah.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gabiley khasaaraha dugsigaa loo gaadhay waxa uu soo gaadhay inay ardaydii dugsigaa wax ku barran jirtay bacad-fadhi noqdaa. Dugsigani waxa uu ka kooban yahay 5 fasal, Taas oo uu afar ka mid ah khasaare soo gaadhay, waxayna roobabku afartaa fasal ka fujiyeen qorigii iyo jiingadii dedka u ahaa, iyadoo ay dugsigaa wax ku bartaan ardayda Tuulada Boodhley iyo degaamada kale ee ku xeeran. Sidaa darteed waxay ardayda dugsigaa wax ku barran jirtay ee hadda bacad-fadhiga ahi u baahan yihiin in arintooda deg-deg wax looga qabto.

Sidoo kale waxay roobabkaasi khasaare gaadhsiiyeen qaar ka mid ah dadka xoola-dhaqatada iyo beeraleyda ah ee ku dhaqan degaamada Gabiley, gaar ahaan meelaha la kala yidhaahdo Goray, Iga-waaji iyo Carro-Tuulka. Daadadku waxay qaadeen kaydadkii hadhuudhka ee boholaha ku duug-naa, iyadoo uu ku talo-galku ahaa inay dadka beeraleyda ahi kaydka raashinka cunaan jiilaalka dambe, Laakiin ay arintaasi khasaare u geysatay. Hase yeeshee inkasta oo ay degaamada roobab laxaad lihi ka da’een, hadana dad baa biyaha qul-qulay ka ooman.

Xaawa c/laahi Samatar oo ka mid ah dadkii dhowaan laga soo celiyey xeryaha qaxootiyada bariga Itoobiya ayaa sheegtay inay ka oomman yihiin roobabkii laxaadka lahaa ee dhowaan da’ay, waayo bay tidhi ma lihin meelo aanu biyaha ku kaydsanno. Sida balliyo ama meelo kale oo biyaha lagu kaydiyo, iyadoo sheegtay inay hay’adaha samafalka marar dhowr ah ka codsadeen inay ka caawiyaan baahiyaha haysta, gaar ahaan baahida dhinaca biyaha, Taas oo macnaheedu yahay in balliyo ama meelo kale oo biyaha lagu kaydiyo loo qodo, waxayna farta ku fiiqday balli yar oo ay roobabku dhowaacyo gaadhsiiyeen. “Ma lihin awood aanu balliyo ku qodonno” ayey tidhi Haweenaydani.
 

Top


Tog-Wajaale: Dhaqan-Xumada Buux-Dhaaftay Iyo Hawl-Galada
Guddiga Wanaag-Farista

Tog-Wajaale, March 22, 2005 (Haatuf) – Ururka Islaamiga ah ee magaciisa la yidhaahdo Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ayaa dhowaan xafiis ka furtay magaalada Tog-wajale ee ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, xafiiskaas oo la furay 15-kii bishan aynu ku jirno waxay wararku leeyihiin waxa uu ku soo beegmay xilli la rumaysan yahay inay waxyaalaha dhaqan-xumida ahi ku badan yihiin magaalada Wajaale, Taas oo keentay inay dadka degaankaa ku dhaqani aad uga hadlaan, ugana qayliyaan.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gabiley, Maxamed Xasan waxa beryahan dambe la arkaa in Toddobaadkii ugu yaraan hal mar ama laba goor dooxa lagu soo tuuro Ilmo yar oo dhashay, waxaana caruurtaa qaarkood iyagoo kolay yar ku dhex-jira Waaberigii lagu arkay Dooxa dhexdiisa, caruurtaas oo qaar-na Mayd-nimo loogu yimi, qaarna nolol loogu yimi, iyadoo caruurtaa wixi nolol lagu helo ay qaar dadweynaha ka mid ahi qaadaan oo ballan-qaadaan korintiisa, wixii maydnimo lagu heona waa la aasaa. Mid ka mid ah odayaasha reer Tog-wajaale ayaa weriyaha Haatuf u sheegay in duhur-cad duleedka magaalada laga soo qabtay Wiil iyo Gabadh dhalinyar ah oo sakh-raasan.

Magaalada Tog-wajaale waxay u qaybsan tahay laba daamood o kala ah; Daanta Somaliland iyo Daanta Itoobiya, Laakiin dadka labada dhinac way isku talaabaan, isla markaana waxa magaalada beryahan dambe ku batay isticmaalka waxyaalaha maandooriyaha ah, sida Khamriga.
Gudoomiyaha guddiga wanaag-farista iyo xumaan-reebista Cismaan Ibraahim Cumar oo munaasibadii furista xafiiskooda Tog-wajaale wax laga waydiiyey hawlaha ay qabtaan ayaa yidhi “Ujeedada guddigani waa sidii aanu bulshadayada ugu sheegi lahayn wanaagga, xumaantana uga reebi lahayn, magaaladana (Wajaale) waxa mudooyinkan dambe ku batay waxyaalo dhaqan-xumo ah, sida sakhrada iyo macsida, waxaanu qabanay 15 qof oo ay gabadhi ku jirto, kuwaas oo lagu markhaati furay inay sameeyeen diin-cay, illaah-cay iyo nebi-cay, waxaana maxkamadda loo gud-biyey afar marag oo Islaam ah”.

Gudoomiyaha guddiga wanaag-faristu waxa uu sheegay inay dadka wacdiyaan ilaa kuwo xabsiyada ku jira, isaga oo sheegay inay horumar ka gaadheen la dagaalanka dhaqan-xumada magaalada Tog-wajaale.

“Magaalada iminka laguma arko sakhraamiin oo way dhuuntaan” ayuu yidhi gudoomiyaha guddiga wanaag-farista iyo xumaan-reebistu, isaga oo u mahad naqay ciidanka bileyska Tog-wajaale, maxkamadda Gabiley iyo guud ahaan dadka reer Tog-wajaale, oo uu ku tilmaamay inay la shaqeeyaan.
 

Top


Weriyeyaal BBC-da Ah Oo Barnaamij Ku Saabsan Somaliland Dunida U Bandhigaya

Hargeysa, March 22, 2005 (Haatuf) – Barxadda dhismaha Baarlamaanka Somaliland ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Somaliland. Ka dib markii ay kooxo isugu jira Rag iyo Haween oo ku lebisan dharka hidaha iyo dhaqanka ay barxaddaa isugu soo baxeen Subaxnimadii hore ee shalay, iyagoo Jiibta iyo Jaanta isla qaaday, kuna luuqaynaya heesaha lagu tumo ciyaaraha dhaqanka. Munaasibadaa oo ay kasoo qayb galeen Wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka Somaliland, xubno ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka iyo dadweyne kale, waxaana lagu soo bandhigay Noocyada ciyaaraha kala duwan ee hidaha iyo dhaqanka. Waxaana ujeedada munaasibadaa loo sameeyay ahayd, sidii ay koox filin qaadayaal ah oo ka socday Idaacada BBC-du uga samayn lahaayeen Somaliland Filim (Ducumentry filim).Kaas oo ay doonayaan inay Bulshada Somaliland kaga sheekeeyaan dhaqankooda, Diinta, waxbrashada, caafimaadka iyo waxyaabihii ka dhacay Somaliland ee ay ugu waynaayeen xasuuqii ay dawladii Taliskii Siyaad Barre kula kacday shacbiga Somaliland.

Filim qaadayaasha ka socday BBC-da oo kala ahaa Haweenay magaceeda la yidhaahdo Shaheera Asanta iyo Mr. Rojer Shore, oo ka socday BBC-da waxay dalka yimaadeen Arbacadii todobaadkii hore 16 March, waxayna socdaalkooda soo gabagabayn doonaan maalinta Arbacada ee 23 March, waxayna mudada ay dalka joogaan ku soo afjari doonaan barnaamij balaadhan oo lagaga sheekaynayo Bulshada Somaliland, iyadoo si gaara ugu eegi doona dhaqanka, diinta waxbarashada, caafimaadka, horumarka dhinaca dimoqraadiyada iyo sida aanay dunida wax garawshiiyo ah uga helin, waxa kaloo ay wareysiyo ka qaadayaan shaqsiyaad ka tirsan bulshada Somaliland oo ay wareysi kal ayeelan doonaan mawaadiicda ay doonayaan.

Sidoo kale waxa barnaamijkaa sawiradiisa lagu xusi doonaa xabaalo wadareedyada ay xukuumadii Taliska Siyaad Barre ku ururisay lafihii kumaan shicib ah oo u dhashay Somaliland, kuwaas oo qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland laga helay sannadihii u dambeeyey, waxayna muqaalada wareysiyada iyo barnaamijyadu noqonayaan kuwo loo bandhigo dunida, si ay xaalada Somaliland wax uga ogaadaan, Taas oo la filayo inay wax weyn ka taray qadiyada madax-banaanida Somaliland.
 

Top


Tartan Aqooneed Dhexmaray Laba Dugsi Oo Hargeysa Iyo Gabiley Ah

Gabiley, March 22, 2005 (Haatuf) – Tartan aqooneed (kedis) ay iskaga horyimaadeen ardayda wax ka barata labada dugsi ee dugsiga hoose/dhexe ee Gacma Dheere ee Hargeysa iyo dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Muxumed Warsame ee magaalada Gabiley, ayaa lagu qabtay gelinkii hore Isniintii shalay hoolka shirarka ee waxbarashada degmada Gabiley.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee degmada Gabiley, Maxamed Xasan, tartan aqooneedkan oo ahaa mid ay ku tartamayeen ardayda labada dugsi ka kala socotay oo dugsi walba ay uga qayb-galeen 45 arday, waxa halkaas lagu weydiiyay su'aalo la xidhiidha duruusta ay bartaan oo ay soo diyaariyeen guddi ka kooban macalimiinta labada dugsi.

Furitaankii xafladdaas waxa ugu horeyn halkaas ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada degmada Gabiley Sacad Aw Muuse, waxaanu ugu horayn ku soo dhaweeyay macalimiinta iyo ardayda ee shalay subaxdii ka soo boqoolay dhinaca magaalda Hargeysa, isagoo labada dhinacba ku booriyay inay ka faa'iidaystaan tartanada noocan oo kale ah.Maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Muxumed Warsame Gabiley Mudane Shirwac ayaa isaguna halkaa ka hadlay waxaanu u sheegay ardayda in tartan aqooneedkani uu yahay mid kor loogu qaadayo tayada waxbarshada ardayda reer Somaliland oo ah mid loogu talo galay is-barasho iyo inay ardaydu aqoon-korodhsi kala helaan, laakiin maaha buu yidhi mid ujeedadiisu tahay dugsi hebelbaa ka badiyay dugsi hebel.

Maamule ku xigeenka dugsiga hoose dhexe ee Gacma-dheere Hargeysa Ibraahim Daahir ayaa isaguna halkaa ka hadlay waxaanu uga mahad celiyay soo dhawaynta fiican ee ay kala kulmeen maamulka dugsiga Sh. Muxumed Warsame ee Gabiley.

Gebo-gebadii tartan aqooneedkaasi wuxuu ku dhamaaday 20 dhibcood oo ay guushu ku raacday ardaydii ku tartamaysay magaca dugsiga Sheekh Muxumed Warsame ee Gabiley, halka ay ka heleen 16 dhibcood ardaydii ku tartamaysay magaca dugsiga hoose dhexe ee Gacma-dheere Hargeysa. Sidoo kale, isla gelinkii dambe ee shalay waxa iyaduna ciyaar kubada cagta ahi dhex martay ciyaartoy ka soo kala jeeda isla labada dugsi ee Sh. Muxumed Warsame Gabiley iyo Gacma-dheere, waxaanay ku dhamaatay 2 gool oo ay ku badiyeen ciyaartoyga dugsiga hoose dhexe ee Sh. Muxumed Warsame Gabiley iyo hal gool oo ay keeneen ciyaartoyga dugsiga Gacma-dheere.
 

Top


 Ururka ICG Oo Si Kulul Uga Jawaabay Cambaareyn Kaga Timi IGAD

Nairobi March 22, 2005 (W.Wararka) – Ururka xal u raadinta qalalaasaha aduunka International Crisis Group (ICG) oo ah hay'ad caalami ah oo si weyn loo dhagaysto ayaa jawaab ka bixisay eedayntii uu ururka IGAD usoo jeediyey. ICG ayaa warsaxaafadeed ay kasoo saartay xarumaheeda Nairobi iyo Brussels ku sheegtay in ay si aad uga xunyihiin hadalkii kasoo yeedhay wasiirada arrimaha debeda ee IGAD ee 18 March ku shiray Kenya, kuwaasoo sheegay in qoraaladda ICG ay yihiin kuwa dhaawacaya nabad raadinta Soomaaliya iyo gobolkaba .

ICG waxay warsaxaafadeedka ay soo saareen ku sheegeen in iyaga iyo IGAD wada shaqayn lahaayeen, taageerana dadaaladii IGAD ay ku doonaysay nabadaynta Soomaaliya. Sidaasoo ay tahay ICG way sii wadi doontaa in ay muujiso khilaafka xoogan ee Soomaalida u dhexeeyaa, kaasoo la xidhiidha keenista ciidanka shisheeye oo ay kuwa safka hore ka mid yihiin.
Qaybsanaantan ayey ICG sheegtay in lagu cabiray dibadbaxyo ka dhacay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, bayaano ay soo saareen siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo ururo bulsho iyo warbixinada iyo faallooyinka ay qoraan saxaafada Soomaalidu. Gacan ka hadalkii nasiibdaradda ahaa ee ka dhacay barlamaanka ayaa daliisha ugu wayn ah sida ay Soomaalidu arrinkan ugu qaybsantahay, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

ICG waxay kaloo sheegtay in qoraalo furan, fariimo ku socda madaxda dawladaha IGAD, ay si joogta ah ugu boorisay in arrinkan si feejigan oo taxadar leh loo maamuuso, hadiise la yeeli waayo ay keeni karto in jahawareer ku dhaco hay'adaha dawladda ee ku meelgaadhka ah iyo guud ahaan dib u heshiisiinta oo idil.”Waxaanu si weyn u sheegnay in go'aan kasta oo khuseeya ciidan nabad ilaalin ah lagu gaadho si hufan oo lagala tashaday dadka ay khusayso, baarlamaanka looga helo ogolaansho cad oo aan mugdi ku jirin. IGAD way ogtahay ayaa war saxaafadeedkaas lagu yidhi in dareenka ay ICG la qabaan bahwadaata IGAD (IGAD Partners Forum). Sidoo kale bayaankii uu soo saaray madaxweynaha Golaha Ammaanka 7 March ku sheegay in ciidanka Soomaaliya loo dirayo uu helo kalsoonida dadwaynaha Soomaaliyeed
 

Top


Shir-Madaxeedka Carabta Iyo Ajandaha Xasaasiga Ah Ee Horyaal

Alger’s March 22, 2005 – (W.Wararka) – Madaxda dalalka Carabta ayaa ku qulqulaya caasimada Aljeeriya si ay uga qaybgalaan shir-madaxeed ay ku kulmayaan dalalka Carabtu oo Maanta lagu wado inuu ka furmo caasimada dalka Aljeeriya, waxaana ugu horeeyey hogaamiyaha Liibiya oo gaadhay caasimada dalka Aljeeriya, iyadoo uuqaabilay madaxweynaha Aljeeriya C/casiis Butafliqa.
Shirkani waxa uu ka dambeeyey kadib markii ay waiirada arrimaha dibeda ee dalalka Carabtu soo gebagabeeyeen shir Gogol xaadh ah oo ay laba maalmood ku lahaayeen Algeria.

Arrimaha ugu waaweyn ee lagu soo qaadayo shir-madaxeedkaas, waxa ugu waaweyn arinta dalka Ciraaq, Loolanka u dhexeeya Carabta iyo Israa’iil iyo xaalada dalka Soomaaliya. Waxa kale oo horyaala madaxda dib u habayn lagu sameeyo siyaasada dalalka Carabta iyo sidii dimoqraadiyad looga hirgelin lahaa dalalka Carabta. Shirka oo socon doona laba Maalmood waxa lagu wadaa inay ka soo baxaan go’aamo khuseeya arimaha muhiimka ah ee dalalka Carabta.

C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ka qeyb galaya markiisii ugu horeysay shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta, iyadoo Shirkan oo lagaga hadli doono arrimo fara badan oo ku saabsan dib u habeynta ururka Jaamacadda Carabta, qorshe Urdun wadato oo ku saabsan xidhiidhka Israa’iil iyo Carabta, arrimaha Lubnaan iyo Suuriya, iyo qodobo kale oo gaadhay 16 kuwasoo ay diyaariyeen wasiirada arrimaha dibadda dalalka Jaamacadda Carabta shirkoodii hordhaca ahaa oo ay ka mid tahay arrinta Soomaaliya, waxaana shirarkii wasiirada arrimaha dibadda hore uga qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda dowladda C/llaahi Sheekh Ismaaciil.

Wafdi uu horkacayo C/laahi yuusuf ayaa xalay u duulay magaalada Aljeris si ay shirkaasi uga qeyb galaan, waxaana shir madaxeedka ka maqnaan doona Boqorka Urdun, hogaamiyaha Imaaraadka Carabta, madaxweynaha Lubnaan iyo madax kale, halka Liibiya oo dooneysa in afkaar ay hore u soo jeedisay la qaato dadaal loogu jiro in la qanciyo si looga badbaado khilaaf kale oo madaxda Carbeed shirka dhexdiisa ku dhex mara.
 

Top


Kofi Annan Oo Ku Baaqay In Dib-U-Habayn Lagu Sameeyo
Qaramada Midoobay



New York March 22, 2005 (W.Wararka) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay dib u habayn lagu sameeyo golaha amaanka ee Qaramada Midoobay. Warbixin uu Mr Annan u direy QM, waxa uu ku sheegey in waxyaabaha caalamka cabsigalinaya maanta oo ay ka mid yihiin dambiyada laga soo shaqeeyey, saboolnimada iyo argagixisadu ay yihiin kuwa isku xidhiidha oo u taagan wax aaduunka oo dhan cabsi ku haya.

Warbixintiisa hamada weyn waxa uu Xogahayaha Guud ee QM ugu baaqey hogaamiyaasha adduunka iney dhaqangaliyaan oo ay qabatimaan waxa uu ku fasirey iney tahey dib u habeyntii ugu weynayd ee soo marta taariikhada Qaramada Midoobey.Waxa uu Xoghayaha Guud uu si gaar ah farta ugu fiiqey muhimadda aan kala go'alaheyn ee ay leedahey in waddamada adduunku ay wada jir wax u qabtaan iyadoo ay jirto cabsi caalamiya oo adduunka kaga soo foolle argagixisada iyo hubka sida daran wax u gumaada.

Waxa warbixinta Mr Annan ay timid laba sano ka dib markii ciidamada Mareykanku hormoodka ka yahey ay weerareen waddanka Ciraaq, taasoo dhalisey su'aalo la xidhiidha doorka QM ay mustaqbalka ku yeelan karto arimaha caalamka.Waxa uu Mr Annan sheegey in nabad sugidda, barnaamijyada horumarinta iyo xuquuqda aadamahu ay dhammaan isku xidhiidhaan. Waxa kale oo Annan ku baaqey in la kordhiyo tirada waddamada ku jira Golaha Ammaanka.

Dhinaca kale, saraakisha diblomaasiyiinta ee jooga Xarunta Qamamada Midoobey ayaa soo dhaweeyey in ra'yi ururin ay amuurtan ay u qaadey BBC-du qeybteeda World Service lagu ogaadey in si weyn loo taageersanyahey in QM ay isbedello waaweyn oo sidaas oo kale ah ay la timaaddo.
Agaasimaha QM u qaabilsan is-gaadhsiinta, Edward Mortimer ayaa sheegey iney tahey wax laga maqsuudo in la ogaado in dad badan ay Mr Annan la wadaagaan rajadiisa ku saabsan in la badiyo xubnaha ay ka kooban yihiin wakiilada ka tirsan Golaha Ammaanka ee QM.

Safiirka Britain u jooga QM Emma Jones Parry ayaa sheegey in ra'yi ururinta dadka laga qaadey ee BBC-du ay muujisey muhimadda ay leedahey taageerada shicibku u hayo in QM ay door xudun ah u noqoto xidhiidhka caalamiga, Safiirka Fransiiska u jooga QM, Jean Marc dela Sabliere waxa taageerada loo muujiyey QM ku sheegey mid dhiirigalin ah.
 

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA:Ma Wixii Ay Shalay Qoranay Ayaa Maanta Khalad Noqday?

Waxaan halkan kaga hadlayaa aragtida iyo buuqa ka taagan doorashada golaha wakiilada.
Bini’aadamku wixii uu shalay khalday ayuu maantana isweydiinayaa, kamana faa’iidaysto khaladkii shalay dhacay, saxana waa laga il-duufaaa.

Sida la ogyahay ururkii SNM ayaa u soo halgamay madax banaanida Somaliland, kuwaas oo isugu jiray ciidamo qori sita, hogaankii ciidan iyo saraakiisha hawl-galada agaasimay, ciidamadaas oo u badnaa dhalinyaro nooc kasta leh, sida arday, macalimiin, wax-garad, abwaanno, reer miyi, odayaal, siyaasiyiin iyo dad badan oo kala duduwan.

Waxa jiray rag odayaal ah oo gurmadka ciidan, dhaqaale oo gudo iyo debed-ba leh ka shaqaynayey, waxa jiray jiray rag siyaasiyiin ah, waxa jiray haween gurmadka iyo gaashaan sita oo iyana waakibkooda qaatay, laakiin intaas oo qaybood waxaan xilkoodu muuqan oo aan ka soo bixin waa kuwa magaca siyaasi sitay, waayo qoddobka ugu muhiimsan ee laga rabey waxa kow u ahayd inay ka shaqeeyaan nidaamka iyo dhismaha maamul ee gudaaha, taas oo talo-wadaag ahayd, taas oo ahayd inaan la waayin nidaam qalinka lagu qorayo iyo garaadkii iyo iskaashigii ay diideen daruufta talada siyaasiga loo igmaday, ciidamada iyo hogaankoodii dagaal wax bay qaabilsanaayeen way u soo jabeen, halkaana iyaagaa dadka guryo keenay, abwaanada iyo indheer-garadku qoriga iyo afkaba way ku dagaalameen odayaashu dhaqaalaha iyo saadkay la daba taagnaayeen, haweenku kimista iyo xanaanada iyo dhaawac bixintaba way la daba-joogeen.

Maqaalkaygani mar waa iga xog-warran oo waxaan gaadhsiinayaa dadka ay SNM iskaga khaldan tahay ee ay ka khaldan tahay inta guda-shadeedii iyo garadkeediiba la duudsiyey, waxaan kaafayaa Boobe oo Hadraawi hawada iga baray maqaal uu SNM kaga hadlayey, intaa halkaa ayaan dhigay sheekadeeduna waa buug sida Boobe uu u soo qaatayna, waxaan qabaa in aan daacad ka warrankeeda kaga saxanahay, isaga oo ahaa mudane SNM ah haduu doonana wax badan iiga xog-ogaalsan, hadana siyaabaha uu wax u sharaxay.

Yuusuf Shiikh madar oo gudoomiyaha ururka soo maray alle ha u naxariistee ama Ibraahin Sheekh Madar oo gudoomiye guurtida soo maray laba oday oo wakhtigoodii soo qaadatay bay ahaayeen, maantana faah-faahin-maayo.Balli-gubadle hadaan soo qaato khalad wuu jiray, ka horna wuu jiray, ka dibna wuu jiray, inta noloshu jirtana khalad wuu jirayaa, inbta nooluhu abuuran yahayna waa wax jiri doona. Boobe maqaalka uu 7-dii March Haatuf ku qoray aad buu uga hadlay SNM iyo Somaliland,, laakiin waxaan leeyahay SNM iyo Somaliland toona kagamaad hadalle wax kale ayaad hadashay, waxa aan aad uga naxayna ma aha hadalkee, waa miisankan aad haysatay.horta markaan sheego qaabka aan kuu aqaan maaha mid aynu is naqaanay laakiin ka Hadraawi qaar ka mid ah oo aad ka shabahdo iyo buuggiisa iyo SNM oo aad ka mid ahayd ama sifaha shaqsi ra’yiga aan kaa haysto iyo ka iiga kaa muuqday way kala fogyihiin, waxaan kaga baxayaa dadka odayaasha reer Sheekh Madara illaahay ha u naxariisto waxaanse kuu sheegayaa SNM iyo Somaliland-ba si dhinac ah baad warranka ugu soo qaadatay, waxaan kaga baxaya ninkasta oo ummadda xilka ugu karaamaysan hayow ha u qaadan inaad dadka wax dheertahay, maqaamka Shiikh Madar inaad xusto laguuma diidin, laakiin golaha ummadda iyo maqaamkii Shiikh Madar yaanay iskaga kaa khaldamin, cid kasta iyo meel kastaana waxay leedahay sheekhyo iyo cid la ixtiraamo.

Waxa kale oo aad meel kaga dhacday golihii guurtida oo aad ka dhigtay markii Shiikh Ibraahim ka dhintay in aanu diin, dhaqan, dal iyo dadnimo midna oolin, waxaan leeyahay Boobe xaal ha laga bixiyo, saxaafaduna way dheeraysee waxa lagu qorayo xishood halagu doro, qalinkana in garaad lagu sugo ayuu ku fican yahay, laakiin tani waa mid qaawan, waxaan ugu cel-celinayaa Boobe (SNM) markii u xilka ka hayey Siilaanyo may muuqan jirin in qolo lagu raaco, maantase rag baa reernimo saxaafadda loogu caayey, waxay ila tahay dhaqankii in dib loo eego, anigu Kulmiye iyo UDUB midna ma jecli. Waxaanse ku leeyahay hadii aanad ka hadlayn taariikh waxba ha soo qorin.
Saleebaan markuu mucaaradka ahaa shir qaran buu beriga taagnaa, balse taa laguma jeclayn, wixiise loo guuray waxaan u arkaa inaan la mahadin doorashooyinkii loo guurayna.

SNM markii ay dalka qabsatay waxa wax doortay beelihii Somaliland oo isku dhan, ka dibna Somaliland baa lagu dhawaaqay, wixii maalintaa la hantayna Rayaalaa soo rafacay, haatan iyo danna Saleebaan iyo golayaashu wixii ay ummaddu qaadatay ee lay-din qoray ayey maantaba dadka qaar leeyihiin golayaal baa khaldan ama Saleebaan baa khaldan.

Hadii aad shalay lahaydeen shir qaran waa khalad, maantana ma dastuurkii iyo waxaad qorateen ayaa khaldan, kaa ayey maanta Saleebaan, labada gole iyo xisbiyadu taagan yihiin in la raaco, waxaan leeyahay Hargeysaay toos, maanta Laas-caanood iyo Ceerigaabo wax yar baa somaliland gacanta ugu jira, marka danbena Burcaa imanaysa in somaliland laga qabsado ama iminka ayeyba taagan tahay qabsigu, waayo 80Km ayey Burco u jirtaa xuduudda Puntland oo Puntland waxay tidhaahdaa xuduudkayagu waa Kiridh, markaa waxaan leeyahay waar hadaan dalkii iyo jiitankiisa laga hawl-galin, Hargeysana waa la isugu imanayaa ee xagee wax lagu dooranayaa, waxaan intaa ku darayaa Laascaanood beel baa degan, beeshaas oo la mid ah beelaha kale ee reer Somaliland, beelna xil looma dhiiban ee maamul baa loo xil-saaray jiritaanka dalka, taa uu maamulku qabay ayaan laydinku buuxin, beesha reer Laascaanood waxay toodii imanaysaa marka lala hadlo kii maamulka, inta aan taa la sixin-na reer laascaanood wax saaran ma leh, way leeyihii dhaliilo iyo khalad laakiin ta maamul baa ka horaysa.
Qore : Mustafe Maxamed Xuseen (Khayre), Burco.
 

Top


Doqon Milantay Iyo Geesi Malefsi Bartay, Dhexdooda Miidaamaa Ka Dhacda

Tan iyo markii ay baarlamaanku madaxtooyada u gud-biyeen xeerka ay golaha wakiiladu sannadaha badan haysteen waxa soo baxayey buuq ku saabsan anigaa badsanaya iyo anigaa fadhiyaya, hadii aanay sidaa iyo sidaa u dhicina waa lagu kala dareerayaa, laakiin waxaanu qabnaa inay dadka arintaa aaminsani yihiin kuwo buka, balse waxaad moodaa inay arinta golayaasha dawladdu tahay doqon millantay iyo geesi malafsi bartay dhexdooda miidaamaa ka dhacda, hadii aanu nahay doqon milantayna guusha anagaa leh, waxaanuna leenahay ma yeelayno boobka UDUB waddo ee aan daaha la saarin iyo fadhiga golayaasha ee cimri-dhererka ah, wixiise aanu ku waynay curadayadii timaha caddaa iyo maalkayagii ka yeeli mayno inay UDUB sida ay doonto ka yeesho. UDUB-na waxaanu leenahay hadii aad ka baydhay wixii laguu doortay dhakhso ayaad u jabaysaa. Isla markaana waxaanu leenahay ninka dhuumanayow dhabarkaa ku muuqda.

Doorashada diyaar baanu u nahay, balse waxa ka muuqda madmadow badan ee halaga saaro, golahana waxaanu leenahay intiina nadiifta ah waa laydin dooranayaa ee is sharaxa, dalkana ha dibin-daabyeynina ee bad-baadiya.
Maxamud X. Muuse iyo Akal Daahir, Burco
 

Top


UDUB Waa Hal Xisbi, Cidina Cid Kama Sheegan Karto

Anigoo tix-raacaya maqaalkii ku qornaa Jamhuuriya 16/3/05, ee ahaa Beenin Baaqa y soo saareen 50-xubnood oo ka tirsan xisbiga UDUB, kana soo baxay maamulka xisbiga, kuna saxeexnaa Xuseen Cali Xirsi, nuxurkiisuna ahaa, Tahdiid, Kala qaybin xisbiga iyo ka sheegayo xisbiga xisbiyada kale, Taas oo ah mid aan loo fadhiyin, una eeg ujeedo salka ku haysa burburinta xisbiga.

Waxaanu leenahay, jawaabta uu bixiyey Xuseen Cali Xirsi ma aha mid ka soo baxday masuul xisbi oo ilaashanaya sharafta xisbigiisa, wuxuu yahay qoraal ka soo baxay Ruux cadhaysan oo ku duraaya cid ay col yihiin, isagoo u maraya maamulka xisbiga ama ruux ujeedadiisu tahay burburinta xisbiga. Waxaana taa kuu cadaynaya hadaladiisa uu ku qoray Bayaanka, sidda 50-kaas badhkood xisbiga kuma jiraan, kuwa kalana waa kuwii nagu soo biiray ee ma aha asli, Taasina waxay u egtahay in Xuseen Cali Xirsi ka sheegtay xisbiga ciddii ku soo biirtay, waana mid khalad ah, gef ah, kuna mutaystay Xuseen in xisbigu ka qaado talaabo sharci ah.Waxaanu ku talinaynaa waa in Xuseen laga qaado kaadhka xubinnimada xisbiga intaan xisbigu waayin dad ka badan, waa haddii aynu doonayno wax ku qabashada waxyeeladda uu geystay xisbiga Maanta.

Ta kale, waxaanu u aragnaa in ruuxa Maanta soo jeediyaa shir ha la qabto in uu yahay ruux danaynaya xisbiga oo doonaya siduu u fiicnaan lahaa. Waayo ruux ku yidhi aynu isku nimaadno si aynu arimaheena uga tashano waxba muu dhimin. Manay ahayn in maamulka uu Xuseen magaciisa ku hadlayo in uu arrin halkaa gaadhsiiyo. Ta kale wuxuu yidhi Afhayeenka wixii la isku sheegayo waxaa sharci ah in xafiiska la soo mariyo. Haddaba hadii aan xafiisku talo ogolayn oo aydun gudbin waydaan wixii idinku isku qaadateen, siddee loogu gudbinayaa wixii jira madaxda xisbiga haduu wargeyska loogu qorin raggii baaqa soo saarayaa wax qaldmay qorin ee waxay ku soo taliyeen in gudoomiyuhu iskugu yeedho golaha dhexe, si loo tashado, Taasina waa mid muhiim ah oo loo baahan yahay diid ama ha diidine, waayo xisbigu wuxuu u baahan yahay in uu ka tashado khaladaadkii dhacay labadii doorasho ee hore, si ayna u dhicin ta soo socotaa.

Ugu dambayntii, anigoo ka tirsanaa musharaxiintii UDUB ee degaanka, ahna ninkii ugu horeyeey ee Hargeysa UDUB isku sharaxa, ka dibna laga reebay liiskii uu gudbiyey xisbigu kana cadhoon ka shaqeeyey labadii doorasho, waxaan leeyahay Xuseen wuxuu ahaa gudoomiyihii gobolka ee UDUB. Waxaanu ahaa ninkii noo qaybiyey degmooyinka, ka dibna 75 musharax kala dhex baxay intuu doonayey, oo aan cidii ku wehelin. Haddaba waxaa la yidhi sakaaro xaar muuqda ay aas-aastaa, Xuseenow waxba la qarin maayee, ha la qabto shir aynu isku saxno.
C/raxmaan Axmed Axmed, Ex. Musharax.
 

Top


Maanta Waxaan La Hadlayaa Saleebaan-Gaal Saleebaan maanta hal baan leeyahay

Waxaan ahay nin soo halgamay, oo dalkan Tacab badan ku leh, ahaa nin Mutacalin ah. Marar badan baan ku cel-celiyey oo aan dal-badday in dhakhtar debedeed lay diro, Laakiin ilaa hadda waxba layma qaban. Madaxweyne ku xigeenku mar buu lacag I-siiyey. Saleebaan (gudoomiyaha Guurtida) waxaan leeyahay ilaa 1991-kii dhowr goor ayaan kaambayn kula galay, Laakiin mar keliya kaalama hadlin in dhakhtar debedeed lay diro, halkii aan geli lahaana aad adigu iiga horeysay. Markaa waxaa kaa doonayaa inaad arintayda Maanta gasho.
Cumar As-qo. 

Top


Marwadu Ma Waxay Soo Gashatay Shaadhkii Madaxweynaha

Waxaan doonayaa inaan ka jawaabo canbaarayn iyo dhaleecayn ay qaar ka mida Hablaha KULMIYE, kusoo bandhigaan Saxaafada, iyagoo markii ugu danbaysay Marwada Madaxweynaha wax kaga sheegay markii ay dhagaxa dhigaysay Saldhiga Bilayska Ee Arabsiyo, mana aha in wixii la qabanayo laysku canbaareeyo ee waxay ahayd in laysku hanbalyeeyo.

Sidaa awgeed Hablaha KULMIYE, waxaan leeyahayMarwadu waxay gashan tahay Shaadhkii Madaxweynaha,wayna u qalantaa ee qod-qodka iska daaya, maxaase tolow hablahaa keligood goonida u soocay ma wax gaara ayaa ka maqan, maxayse Dumarka badan ee kujira KULMIYE kaga duwan yihiin. hadaba waxan leeyahay Hablow dib isugu noqda.
Faadumo Muxumad Ibraahin oo ka mida Xisbiga UDUB.

 

 

Top