Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 827 Apr. 16,2005

Somaliland Born Political Activist, Asma Elmi meets Cherie Blair, Wife of Tony Blair

Koox Dhakhaatiir Reer Norwey Ah OoBooqday Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

Wasaarada Cadaaladda Oo Soo Bandhigtay Xeer-Ciqaabeedka Caruurta

“Madaxda Axsaabtu Ha
Ilaaliyaan Xuquuqda
Dadka Laga Badan Yahay”Maxamed Ciise Caabi (Saaqa)

Madaxweyne Rayaale Oo Qoraal Kulul, Kaga Dalbaday Wakiilada
In Xeerka Doorashada Laga Saaro Qodobka Kordhinaya Tirada Komishanka Doorashooyinka

“Shacbigu Raali Ka Noqon Maayaan Nabadgelyo Darro”
Col.Cumar Maxamuud Nimcaale

Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Xubnaha Komishanka
Oo Kulan Fooda Is-Daray

“Xaaladda Guud Ee Dalku Waa Mid Iska Roonaan Lahayd, H
adaan Maamulka Dhibaato Uga Iman”
Wareysi- Axmed Yuusuf Ducaale

“Kuwa Maanta Talada Hayaa Waa Hadhaagii Siyaad Bare,
Waanay Ka Liitaan”
Wareysi – Boqor Raabi
Yuusuf C/Laahi

“Waxa Aanu Ogeysiinaynaa
Madaxweynaha In Axsaabta
Qaranka Iyo Shacbiguba
Qaanac Ka Taagan Yihiin,
Qalalaasahana Uu Masuul
Ka Noqon Doono”

SAAKA IYO ASLI INTERNET Cali Duul-Duul


Somaliland Born Political Activist, Asma Elmi meets Cherie Blair, Wife of Tony Blair

London, April 16, 2005 (SL Times) – Asma Elmi, a political activist of Somaliland origin, met Cherie Blair, the wife of Tony Blair on Monday April 11, 2005, in a fundraising party for Oona King, Labor MP representing Bethnal Green and Bow.

Asma who was actively campaigning against Oona King’s stand on a number of issues, including the war in Iraq, immigrants, foundation hospitals, top-up fees, not saving a fire station etc., went to the party to give Oona King a chance to convince her.

Luckily, she met Cherie Blair who is one of her heroes. She told Cherie, how she arrived in the UK from Somaliland about 9 years ago and did not obtain any handout from the government. She explained how she paid her way through University, works, paid taxes, has a mortgage, private dental cover, and volunteers her time for good causes. She wondered why some people in England kept attacking the immigrant community, and why they are supposed to be “scroungers who come here for handouts and give nothing back to the communities we live in.”

Cherie Blair explained some of the issues from her perspective and allowed her picture taken with Asma.

Meanwhile, the Labor candidate Oona King, who didn’t win her over yet, scheduled another meeting next Tuesday.

For further details, see inside pages “Voices From Diaspora” which will be an ongoing weekly forum by Asma Elmi. Somaliland Times is delighted to be the conduit through which our communities, both at home and in the diaspora can communicate, learn and exchange ideas. These will bring our communities closer and can eventually lead to Somaliland recognition.

The following is Asma’s explanation of her first encounter with Cherie Blair. She writes:

“Until this evening I believed I had the best laid out plan for my fellow Somalis in Bethnal Green & Bow constituency to follow. I had it all figured out. My plan would be executed with military precision. I have already spent several weekends in putting everyone’s name and telephone number into a database on my laptop, telling them their word wasn’t enough. To make sure they’d vote for my man I was going to phone each and every person on the election day, 5th May, and make sure they got to the polling station. They agreed I could phone them.

But that was before I met Cherie Blair. Now am so torn. So confused. I do not know what am doing anymore. In addition to my day job as an IT consultant, I volunteer my time for several projects in Tower Hamlets. I am involved with AIDS/HIV and Social Housing projects but the voluntary work that I enjoy the most is teaching children mathematics. I love it. I tell children about Marie Curie, am obsessed with Madame Curie. Early this evening I was at a youth centre to meet children, who needed help with maths when I found out the defending Labor MP for Bethnal Green & Bow, Oona King was at a fundraising party in a nearby restaurant and a friend I was with was invited. He invited me along. I have spent a week and half campaigning vigorously against Oona King but I go to the party anyway. I have been campaigning for George Galloway not because I think he is the savior this constituency has been waiting for. Far from it. But I wanted Somali voters to protest against the war in Iraq and also help reduce the huge Labor majority. And I thought it would be fun. I wanted us to keep Labor out of Bethnal Green & Bow for 5 years. To teach them a lesson; for Foundation Hospitals, for top-up fees, for not saving our fire station. I long ago convinced myself that Labor will win the election. If I thought they were in danger of losing I would be campaigning for Oona King.

At the function, I met Oona King and straight away told her I was campaigning against her but was willing to change my mind if she could convince me. As a person, she is very nice and I feel very bad at the way some sections of the community have been treating her lately. It’s despicable behavior and there is no excuse for it. Fortunately Somalilanders have had no part in this ugly behavior. She is wearing what I think is a traditional Bangladeshi dress. There is a band playing Bangladeshi music. The sad thing is, there are hardly any Bangladeshis in the room.

Oona took me to meet Cherie Blair who until that moment I didn’t know was in the room. I said to Cherie: Hi, am Somali. She said she thought so. That made me very happy. People often guess wrongly that am Ethiopian or Sudanese. I couldn’t believe I was chatting with her. It is not everyday someone meets one of their heroes. I rate Cherie very highly. For me, she is right up there with Marie Curie. I told Cherie that I arrived in the U.K from the republic of Somaliland about 9 years ago. That I have never obtained social security benefits of any description. I even paid my way through university. I like my work. Pay my taxes. Have a mortgage. Have private Health and Dental cover provided by my employer. I volunteer my time for good causes. I said I couldn’t understand why some people in this country kept attacking the immigrant community and why we are supposed to be scroungers who come here for handouts and give nothing back to the communities we live in. I don’t know what I expected her to say but I couldn’t stop talking. Cherie explained to me how top-up fees are meant to work, explained it in a way that I had not heard before which made me think perhaps I did not know enough about it and should find out more. The highlight of the evening for me was having my picture taken with Cherie.

My friend later told me that all the while I was talking with Cherie Blair about 20 special branch guys were hovering all over me, whispering in each other’s ear and pointing to my lap. I was holding my laptop bag on my lap and was too excited to notice I was fiddling with it non-stop.

Oona hasn’t won me over yet but am meeting her again next Tuesday. There is a good chance she will. Part of me hopes she doesn’t succeed as that would leave me with one massive headache. How am I ever going to explain it to the Somali community? I wish I hadn’t got myself into this trouble in the first place.”

 


Koox Dhakhaatiir Reer Norwey Ah OoBooqday Cisbitaalka Guud Ee Hargeysa

Hargeysa, April 16, 2005 (Haatuf) – Koox Dhakhaatiir ah oo ka socotay dhakhtarka ugu weyn dalka Norway ee Hauk-land Hospital ayaa shalay booqday cusbitaalka magaalada Hargeysa. Waxayna kooxdaa uu hogaaminayey Dr. Erikson oo ah dhakhtar khabiir ku ah daaweynta iyo qaliinka dadka gubta ay shalay la kulmeen Agaasimaha guud ee cusbitaalka Hargeysa Dr. Yaasiin iyo xubno kale oo ka mid ahaayeen Dr. Saleebaan Guuleed iyo Maxamed Madar Axmed oo xubin ka ah gudida cusbitaalka. Waxayna xubnaha dhakhaatiirta ahi soo mareen qaybaha uu ka kooban yahay cusbitaalku, iyagoo si gaar ah u booqday waadhka la dhigo dadka waxyeeladu ka soo gaadhay Dabka. Iyadoo Dr. Erikson iyo dhakhaatiirta la socotay ay indhohooda ku arkeen dhibaatada haysata dadka ku waxyeeloobay dabka, kuwaas oo rag iyo dumarba lahaa, isla markaana waxay warbixino ka dhegaysteen Agaasimaha Cusbitaalka Hargeysa Dr. Yaasiin.

Kooxdaa Dhakhaatiirta ah oo yimi dalka Maalintii Khamiistii, waxayna shalay ka dhoofeen madaarka magaalada Hargeysa. Laakiin Mr. Maxamed Axmed Faarax oo ka mid ah qurba jooga ku soo laabtay dalka, isla markaana mudadii uu joogay dalka Norway la shaqeyn jiray hayadaha dawlada iyo Hay’adaha gar-gaarka bini’aadminimoda oo gaadh-wadeen u ahaa kooxda dhakhaatiirta, oo ku weheliyey Dhakhaatiirtaa markii ay booqanayeen cusbitaalka Hargeysa ayaa sheegay inay Dr. Erikson iyo saaxiibadii ay hada ka yimaadeen dalka Itoobiya oo ay ka fureen cusbitaal ay doonayeen inay la mataaneeyaan ka Hargeysa.

Wuxuuna sheegay inay dhakhaatiirtu doonayeen sidii ayey Dhakhaatiirta Somaliland iyo kalkaaliyayaasha siin doonaan tababar lix bilood ah, isla markaana waxa uu sheegay inay arkeen baahida taala oo ay go’aansadeen inay wax ka qabanayaan oo wixii u baahda daawooyin iyo daryeel in halkooda lagu siiyo ay wax ka qabanayeen, waxa qaadis noqdana ay qaadi doonaan. Iyagoo gacan weyn ka geysanaya sidii mustaqbalka ay Somaliland ugu soo bixi lahaayeen dhakhaatiir tayo leh oo bulshada wax u qabata.

Mr. Maxamed waxa uu sheegay inay dhakhaatiirta Norwegian-ka ahi diyaar u yihiin sidii ay hawshooda u bilaabi lahaayeen. Laakiin ay dhinaca xukuumada Somaliland ka sugayaan ogolaanshaha ay hawshooda ku bilaabayaan. Kooxda dhakhaatiirta waxay mudadii ay dalka joogeen soo mareen goobo badan oo ka mid ah magaalada Hargeysa, si ay wax uga ogaadaan xaalada dalka. Waxaana goobahaa ka mid ahaa Dhakhtarka Edna Maternity Hospital, isla markaana waxay shalay ka dhoofey madaarka magaalada Hargeysa.
 

Top


Wasaarada Cadaaladda Oo Soo Bandhigtay Xeer-Ciqaabeedka Caruurta

Hargeysa, April 16, 2005 (Haatuf) – Wasaarada Caddaalada ayaa soo bandhigtay xeer ciqaabeedka caruurta sharciga Jabisa ee la geeyo saldhigyada bileyska iyo maxkamadaha, kaas oo qabyo ah, balse doodiisu bilaabantay.

Dood ku saabsan arintaa ayaa shalay lagu qabtay xarunta Wasaarada Caddaalada, taas oo ay ka qayb-galeen sharci-yaqaano iyo aqoonyahano iyo marti sharaf kale, waxa loogu talo galay in ay tallo bixin ka soo jeedinayaan xeerkan.

Khudbadii furitaanka doodan waxa hadal kooban k jeediyey wasiirka caddaalada Maxamed C/laahi Casoowe, waxaanu yidhi “Waxaanu diyaarinaynay xeer loo samaynayo caruurta sharciga khilaafta ee la geeyo saldhigyada bileyska iyo maxkamadaha, markaa xeerkaa waxaanu u samaynay markii ugu horeysay laba garyaqaan oo daraafkii u horeeyey soo sameeyey, markii ay soo sameeyeen daraafkii u horeeyey ka dib waxa loo baahday in dadka talaadooda lagu biiriyo. Waxaanu markii ugu horeysay ku bilownay qolo gudi ah oo shuruucda dib u eegta oo wasaarada caddaalada la shaqaysa, baa markii hore talo la weydiiyey, bal wxa laga bedelayo iyo waxa ay ku darayaan rayigooda, ka dibna daraafkii ay soo sameeyeen baa talooyinkoodii lagu daray. Waxa ku xigay oo la sameeyey oo iyagana talo la soo weydiiyey culumaa’udiinka, madax-dhaqmeed, odayaasha iyo hooyooyinka, Taas oo laba Work shop loogu qabtay magaalada Hargeysa, oo taladooda lagu weydiiyey maadaama ay waalidiintii yihiin, arimaha dhqankana sida lagu xaliyo markay dambiyo galaan. Mar labaadkii waxa aanu samaynay in caruurta laftoodii aanu Work Shop ugu qabanay Boorama iyo Hargeysa, Taasi oo aanu 30 caruur ah u yeedhnay, caruurtaas oo ahaa kuwo iskuulada dhigta, kuwa agoomaha ah, kuwa dhibirka ah ee aan lahayn hoy ay galaan iyo caruurta naafada ah, kuwaasi oo aanu dhamaantood isugu yeedhnay oo aanu talo ka weydiinay, maantana waxa aan rabnaa inay talo ka bixiyaan idinka oo ah dadkii loo igmaday oo isugu jira maxkamadaha, bileyska, xeer ilaalinta, asluubta iyo wasaarada caddaalada inaad idinkuna ka talo bixisaan maadaama aad waayo-aragnimo aad u leedihiin sharcigiina aad gacanta ku haysaan xeerkan loo samaynay caruurta. Waxa kale oo noo hadhay oo aan doonaynaa in aanu talo ka weydiino Civil Society oo ay ku jiraan jaamacadaha, qareenada iyo ururada u dooda xuquuqda aadamaha.

Markaas intaas oo talaabo waxa loo marayaa ahmiyada uu xeerkani leeyahay maadaama uu caruur khuseeyo. Markaa xeerkan waxa laga rabaa in uu noqdo mid aan ka hor imanayn shuruucda caalamka iyo shuruucda islaamka, waxa kale oo laga rabaa xeerkan in uu noqdo mid ka dhaqan geli kara dalka Somaliland. Markaa idinkuna maadaama ad tihiin UDUB-dhexaadkii, waxa laydinka rabaa labadaa cisho in aad soo ururisaan talooyin wax ku kordhinaya shuruucda xeerkan ama wax ka bedelaya, taladaasi oo ah mid ka dhaqan geli karta dalkan Somaliland inay noqoto”.

Ugu dambayn waxaanu wasiirku mahad-naq u soo jeediyey Dr. Xasan Maxamed Aadan iyo Ibraahim Jaamac Cali oo ahaa khubaradii soo diyaarisay daraafka xeerkan iyo hay’ada Save the Children Denmark oo uu sheegay inay ka caawinaysay xeerkani.

 

Top


“Madaxda Axsaabtu Ha Ilaaliyaan Xuquuqda Dadka Laga Badan Yahay”
Maxamed Ciise Caabi (Saaqa)

London April 17, 2005 (the Somali Voice) Maxamed Ciise Caabi oo ku magac dheer (saaqa) oo ka mid ahaa Xidigihii Kubadda Cagta ee Somaliland, gaar ahaan Gobolka Waqooyi Galbeed u Ciyaari Jiray intii u dhaxaysay sanadkii 1968-1974kii oo imika ku nool carrigan Ingiriiska ayaa ugu baaqay Dawladda iyo Xisbiyada qaranka ee Somaliland inay u soo jeestaan sidii ay wax ula qaban lahaayeen xaqoodana u siin lahaayeen beelaha Gabooye oo uu sheegay inaanay maamulka dalka ula sinayn beelaha kale, kana maqan yihiin kaalintii ay ku lahaayeen ka qayb qaadashada hoggaanka dalka.

Qoraal uu Maxamed soo gaadhsiiyay wargeyska the Somali Voice ayaa waxa uu ku tilmaamay inkastoo uu aad ugu faraxsan yahay Madaxweynaha Somaliland oo ballan qaaday marar kala duwan inuu wax u qabto beelaha laga tirada badan yahay, haddana ilaa imika aanay jirin wax muuqda oo ay dawladdu u qabatay beesha Gabooyaha ee Somaliland, welina ay beeshu Madaxweynaha iyo Dawladda Somaliland uga fadhido kana sugayso in si xaq ah looga qayb geliyo kaalinta ay ku leeyihiin hogaaminta dalka ee mid wasaaradeed iyo mid maamulba.

Maxamed Ciise oo ah Gudoomiyaha Guud ee Beesha Gabooye ee Qaaradda Yurub iyo waqooyiga Ameerika waxa kale oo uu Hoggaanka Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ugu baaqay inay u hawl galaan sidii ay baarlamaanka ugu soo sharrixi lahaayeen xubno u dhashay Beesha Gabooye ee Somaliland iyada oo la tixgelinyo duruufaha adag ee beeshaas ku gedaanaa boqolaalkii sannadood ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa uu Gudoomiyuhu xusay in Xisbiyada UDUB, UCID iyo KULMIYE-ba ay ka baaqsadeen kuna ceebaysan yihiin inaanay golaha deegaanka Hargeysa u soo sharrixin xubno u dhashay beesha, iyada oo Magaalada Hargeysa ay tahay meesha xarunta u ah deegaanka beesha Gabooye, waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in iyaga oo ka mid ah beelaha ugu waaweyn ee Hargeysa deggan in aanay xubin qudha ku lahayn golaha deegaanka ee Hargeysa.
Mudane Saaqa waxa uu Xisbiyada ku guubaabiyay inay cashar ka bartaan doorashooyinkii hore, maankana ay ku hayaan waajibka ka saaran ilaalinta xuquuqda dadweynaha Somaliland iyo inay hubiyaan in si cadaalad ku dhisan ay ugu soo sharaxaan beelaha Somaliland oo dhan
“Waxaan si gaar ah ula baaqayaa Madaxweyne Rayaale, Gudoomiye Siilaanyo iyo Gudoomiye Faysal inay xusuustaan waajibka dastuuriga ah iyo ka Diiniga ah ee ka saran Ilaalinta xuquuqda Beelaha Gabooye ee ay madaxda u yihiin” ayuu yidhi Mudane Maxamed Caabi isaga oo dhawaaq dheer u diray guud ahaan beelaha Somaliland inay u doodaan oo u halgamaan sidii dulmiga beesha haysata loo soo afjari lahaa.

Dhinaca kale waxa uu Maxamed uu qoraalkiisa ku sheegay in Dalka Somaliland uu yahay dal qani ah oo isku filan, waxaana uu ugu baaqay Dawladda Somaliland inay dalka ka hirgeliso mashruucii Iskaa wax u qabso, waxaana uu xusay in Ciidamada Qaranka iyo ardayda dugsiyadaba loo hawl-geliyo inay iskaa wax u qabso ku dhisaan iskuulo, iyo goobo caafimaad, ganacsatadana waxa uu ugu baaqay inay eegaan danta guud, gacana u fidiyaan dadka baahan iyo agoomaha.

Ugu dambayn Maxamed Ciise waxa uu ugu baaqay ganacsatada Somaliland ee ay ka mid yihiin shirkadaha telefoonada, kuwa diyaaradaha iyo xawaaladaha, gaar ahaan shirkadda ugu weyn ee Dahabshiil inay shaqooyin siiyaan dadka laga tirada badan yahay, kana qayb geliyaan fursadaha shaqo ee ay hayaan.
Muuqaalka sawirka Midig, Maxamed Ciise Caabi (
Kaysar Cabdilaahi
Tafatiraha Guud ee wargeyska the Somali Voice
Bristol, UK

 

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Qoraal Kulul, Kaga Dalbaday Wakiilada In Xeerka Doorashada Laga Saaro Qodobka Kordhinaya Tirada Komishanka Doorashooyinka

Hargeysa, April 17, 2005 (Haatuf): Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa golaha wakiilada ka dalbaday in laga saaro xeerka doorashada ee uu golaha wakiiladu dhawaanta ansixiyey qoddobka kordhinaya tirada komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Madaxweyne Rayaale waxa uu sidaa ku sheegay qoraal canaan ah oo uu u gudbiyey golaha wakiilada oo uu shalay ka akhriyey madasha golaha wakiilada gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahasi C/Qaadir Jirde.

Qoraalka canaanta ah Madaxweynuhu waxa uu ka dambeeyey ka dib markii ay golaha wakiiladu ansixiyeen soo jeedin uu madaxweyne Rayaale golaha u soo gudbiyey dhawaan oo uu wax ka bedel iyo kaabis ku soo sameeyey xeerka doorashada golaha wakiilada laakiin ay maxkamadda dastuuriga ahi laashay qodobo ka mid ah xeerkaasi.

Qoddobka kordhinta xubnaha komishanka doorashooyinka qaranku kuma jirin qoddobadii ay maxkamada dastuuriga ahi laashay, sidaa darteed markii ay golaha wakiiladu ansixinayeen wax ka bedelka iyo kaabista madaxweynaha, qoddobkaasi kuma jirin qoddobada ay ka ogolaadeen madaxweynaha, inkasta oo uu madaxweyne Rayaale ku soo daray, waxaanay mudanayaashu isku raaceen in qoddobkaasi uu sidiisii ay labada gole ugu ansixiyeen xeerkii hore ugu jirayo.
Qoraalkan dambe ee madaxweynuhu u soo gudbiyey golaha wakiilada ee uu ku dalbanayo in laga saaro xeerka qoddobka kordhinta guddiga doorashooyinka qaranka waxa uu ku sheegay inuu golaha wakiilada ka helay warar kala duwan, oo midkood leeyahay, soo jeedintaadii sideedii ayaanu ku ansixinay, ka kalena uu sheegayo inaad iga diideen qoddobka kordhinta tirada komishanka.

Qoraalka madaxweynaha waxaa kale oo lagu sheegay inuu madaxweynuhu wararkaa kala duwan ka helay shirgudoonka golaha iyo qaar ka mid ah mudanayaasha. Waxaanu qoraalka madaxweynuhu u soo gudbiyey golaha uu intaa raaciyey inaanay golaha wakiiladu xaq u lahayn inay fara-gelin ku sameeyaan qaab dhismeedka hay’adaha qaranka, balse ay xaq u leeyihiin oo keliya inay ansixiyaan soo jeedinta uu u soo gudbiyo madaxweynuhu, isla markaana aan loo baahnayn in la kordhiyo xubnaha komishanka. Taas oo qoraalka lagu sheegay inay caqabad ku noqonaysa doorashada.

Madaxweyne Rayaale waxa uu qoraalkiisa gun-dhig uga dhigay in gebi ahaanba xeerka doorashada laga saaro qoddobka kordhinta labada xubnood ee komishanka.Qoraalka madaxweynuhu waxa uu buuq iyo sawaxan ka abuurey ka dib markii ay qaar ka mid ah mudanayaashu ka cadhoodeen qaabka qoraalka madaxweynuhu u soo qorey iyo sababta keentay inuu markale golaha ku soo celiyo qoddobo ka mid ah xeerka doorashada ee golaha wakiiladu ansixiyeen.

Hase yeeshee markii qoraalkaa laga akhriyey golaha waxa goluhu isla gartey in arrintan loo daayo shirgudoonka si ay jawaab sharci ah uga soo bixiyaan.Qoraalkan dalabka madaxweynuhu waxa uu soo baxay todobaadkii ina dhaafay ka dib markii golaha wakiilada laga dareemay inuu madaxweyne Rayaale u ololaynayo in qodobkan kordhinta komishanka laga saaro xeerka doorashada golaha wakiilada.

Qoraalkan madaxweyne Rayaale golaha wakiilada u soo gudbiyey waxa uu noqonayaa qoraalkii labaad ee uu kaga dalbanayo in xeerka doorashada laga saaro qoddobka kordhinta komishanka , iyadaa oo uu dalabkiisii hore soo raaciyey soo jeedintii wax ka bedelka iyo kaabida xeerka doorashada golaha wakiilada ka dib markii ay maxkamada dastuuriga ahi laashay qoddobo ka mid ah, kaas oo uu madaxweynuhu soo raaciyey lifaaq loo soo gudbiyey golaha wakiilada, kaasi oo ay ku ansixiyeen marka laga reebo soo jeedinta uu madaxweynuhu ku dooday in gebi ahaanba meesha laga saaro qodobka kordhinta komishanka doorashooyinka qaranka.

Hase yeeshee golaha wakiiladu qoddobkaasi waxay u daayeen sidiisii hore iyaga oo ku dooday inay hore u ansixiyeen labada gole ee ay ku gudbiyeen saddex meelood oo meel 2/3, isla markaana aanu ku jirin qodobada maxkamaddu durtey, sidaa awgeed aanay jirin sabab sharci oo loogu soo celiy golaha.

Waxaa kale oo ay ku doodeen in qoddobka goluhu u ansixiyey si uu xal ugu helo khilaafkii sharci ee ka dhashay dariiqa loo marayo buuxinta xubintii ka banaanaatay komishanka oo ay xaq u lahaayeen inay soo magacaabaan xisbiyada mucaaradka ahi. taasi oo ay labada xisbi ee mucaaradka ahi wada jir u soo magacaabeen Maxamed Xaashi Cilmi, hase yeeshee uu madaxweyne Rayaale horjoogsaday tiraba laba jeer inuu u gudbiyo golaha wakiilada si ay u ansixiyaan, aakhirkiina uu xisbiga UCID xubin keligii soo magacaabay, kaasi oo uu madaxweynuhu u gudbiyey golaha wakiilada, iyada oo golaha wakiiladuna u xilsaaray guddida arrimaha gudaha golahaasi, kuwaasi oo go’aan ku gaadhay in xubinta xisbiga UCID iyo madaxweynuhu heshiiska ku yihiin loo ansixiyo, xisbiga KULMIYE-na labada xubnood ee ku jira xeerka doorashada ee lagu kordhinayo xubnaha komishanka doorashooyinka uu mid soo magacawdo, sidaana heshiis lagu gaadhay, balse sheekadan ku saabsan qodobka tirada komishanka ee xeerka doorashada ayaa u muuqata mid soo cusboonaatay, iyadoo uu madaxweynuhu sheegay maalmo ka hor inuu xeerkii doorashada u gudbiyey komishanka doorashooyinka si ay u soo waafajiyaan muddada ay hawshoodu ku dhamaanayso, isla markaana ay war ku soo celiyaan si uu waqtiga la qabanayo degreeto ugu soo saaro.
 

Top


“Shacbigu Raali Ka Noqon Maayaan Nabadgelyo Darro”
Col.Cumar Maxamuud Nimcaale

Waxaan aad iyo aad uga xumahay rag badan oo muwaadiniin ihina ka xun yihiin cadawga Somaliland meel kasta ha joogee uu maanta ku farxayaa haddalada ku qornaa bogga hore (Head Line) ee Jariiradada OGAAL maanta (16/4/05) ee ahaa Dhaarta iyo Tahdiida ee loo dhaaranayey in loo dhici doono Madaxtooyada. Qoraalkaa oo sii socday wadankii wuxu ka soo saaray meel baaba’day oo aan wax taaganina jirin oo hadii sidaa lagu wadana dawlada la weerari doono oo madaxtooyada loogu dhici doono. Sidaana waxa ku hadlay nin madax ah oo masuul ah oo anigu marnaba aanan ka filayn inuu sidaa u hadli doono. Faysal Cali Waraabe ayaa haddaladaa maanta jariidada Ogaal ku qoray.

Waxa hubaal ah in maanta Somaliland ay haysato nabad aan Africa lagu haysan. Wadanka waxa ka socda dhismayaal farabadan, qof wal oo rer Somaliland ahina wuxuu aaminay dalkiisii oo waxa soo daashatay qurbo joogniom. Wixii uu maal-haystayna wuxuu soo gashaday Bir, Loox, Sibidh, Baabuur iyo rag keenay wershado. Haddii loo dhaco Madaxtooyada oo dagaal lagu qaado sow macnuhu ma aha qalalaase hor leh, so ma aha in nabadii ummaddani haysatay cirka lagu laalo, sow ma aha burbur la burburiyo wixii umaddani soo dhisaysay 15 sannadood.

Ummaddani sidaa ma oggoshahay weeyaan su’aasha meesha taallaa. Jawaabtu waxa weeye shicibka reer Somaliland si fiican ayey us oo arkeen o ay khibrad ugu leeyihiin micnaha dagaalku leeyahay, waxa qaxootinimadu leedahay iyo cawaaqib xumada ay leedahay barakucu. Faysal iyo qayrkiina ummaddani ka aqbali-mayso, raacina-mayso raalina ka ahaan-mayso, wax alla wixii nabadgelyadeeda wax yeelaya, shicibkani oggolaan-maayo in xorriyadii ay dhowr iyo tobanka sannadood u soo halgamayeen ee ay Siyaad Barre oo haystay ciidankii Africa ugu xoog-weynaa ugu badheedheen oo ay ku xoreeyeen dhulkan dhiig iyo hantidoodii oo dhan, inay si hawl yar dib ugu burburiyaan, ma oggola cidna ka yeeli mayso. Shicibkani dadaal badan ayuu u soo galay nabadan ay maanta haystaan, saddex doorasho ayey soo galeen oo adduun-weynuhu u soo direen kor-joogoyaal, caddeeyeena inay doorashooyinkaasi u dhaceen si nabadgelyo iyo nimdaam ah, iyada oo aan kharashkaa cidina innaga caawin. Dhibaato kasta oo ina soo gaadha waxaynu maanta joognaa in adduun-weynihii inoo qiray in aynu nahay dad iyo dawlad wada socda oo gaadhay kala dambayn iyo nidaam dimoqraadi ah oo aanay haysan in badan oo African ahi. sidaa darteed adduunweynihii waxyaabaha ay inoogu ballan qaadeen waxa ka mid ah; Inay inaga caawiyaan kharashka ku baxaya doorashada baarlamaanka, Inay innoo soo diraan goob-joogayaal rasmi ah, Inay inoo soo sheegeen marka ay doorashadani nabad ku dhamaato, sidii laynooga bartay, inaynu qarka u saarannahay in layna aqoonsado.

Wax qof wal oo ay in uun dhiig wadaninimo ku jirtaa uu sugayaa in marka doorashada nabad ku dhamaato (Idinka Illaahay) ee aqoonsi yimaado sidii ugu horeyn loo abaal marin lahaa waxa loogu qaban lahaa, Mujaahidiintii dalkan xoraysay, kuwii dhintay dadkii ay ka tageen, kuwa dhaawaca ah iyo kuwa caafimaadka qaba ee dalka jooga. Mujaahidiintana waxaan u soo jeedinayaa in badan ayaad samrayseen, inta yar ee mudada ahna samra, khayraadka dalkan idinka ayaa xaqa koowaad iska leh, wixii ad ku soo tacabteen nabadeeda xejiya.
Col. Cumar Maxamuud Nimcaale.

 

Top


Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga Kulmiye Iyo Xubnaha Komishanka
Oo Kulan Fooda Is-Daray

Hargeysa, April 17, 2005 (Haatuf) – Masuuliyiinta sar-sare ee xisbiga KULMIYE iyo xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka ayaa shalay kulan fooda is-daray ka dib markii ay xisbiga KULMIYE hore ugu dhaqaaqeen inaanay wax wada shaqayna la yeelanayn xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB, isla markaana ay hakiyeen wada shaqayntii ay la lahaayeen komishanka doorashooyinka.

Waxayna xisbiga KULMIYE taa jawaab uga dhigeen falkii weerarka ahaa ee lagula kacay xaruntooda sidaa awgeed kulankaa shalay oo ka dhacay xarunta xisbiga KULMIYE waxa uu ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin, laakiin warar xog-ogaal ah ayaa sheegay inay xubnaha komishanku muddooyinkanba ku hawlanaa sidii ay u dejin lahaayeen xiisada ka dhex aloosan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda, waxay kulankaa kaga wada hadleen sidii loo soo celin lahaa xidhiidhkii iyo wada shaqayntii komishanka iyo xisbiga KULMIYE iyo in laga gaadho is-af-garad khilaafka u dhaxeeya iyo xukuumada iyo xisbiga KULMIYE, waxayna wararku sheegeen inay labada dhinac ee masuuliyiinta xisbigaasi iyo komishanku isla af-garteen wada shaqaynta dhexdooda, isla markaana uu kulankaasi ahaa mid waxyaabo badan la isla qaatay. Dhinjaca komishanka iyo xisbiga, laakiin waxay wararku tibaaxeen in xisbigu dhinaca Xukuumada iyo xisbigeeda UDUB ka taagan yahay mawqifkii uu hore uga taagnaa ilaa iyo inta la helayo talaabo laga qaado cidii ka dambaysay falkii lagula kacay xaruntooda.

Dhinaca kale xubnaha shirgudoonka baarlamaanka iyo komishanka waxay hore ula kulmeen madaxweynaha, iyadoo ujeedada kulankoodu la xidhiidhay si ay xukuumaddu jawaab uga bixiso weerarkii ay ciidanka bileysku ku qaadeen xarunta xisbiga KULMIYE, laakiin waxay wararku sheegeen inkasta oo madaxweyne Rayaale gar-waaqsaday hadalada komishanka iyo shirgudoonka oo uu ballan qaaday inay xukuumad ahaan arrintaa wax ka qabanayaan aanu ilaa hadda wax jawaaba ka bixin, taas oo ay xogahaasi tibaaxeen inay tahay sababta aan weli wax xal ah looga gaadhin dhex-dhexaadinta
 

Top


“Xaaladda Guud Ee Dalku Waa Mid Iska Roonaan Lahayd, Hadaan Maamulka Dhibaato Uga Iman”Wareysi- Axmed Yuusuf Ducaale

Hargeysa 17 April 2005 (Somalilandfuture) Shabakada wararka ee Somalilandfuture ayaa Wareysi dhinacyo badan leh la yeelatey Mudane Axmed Yuusuf Ducaale oo xubin sare oo Golaha fulinta ee xisbiga KULMIYE ka tirsan ah. Waraysigiina waxa uu u dhacay sidatan:-

S: Waxaad nooga warantaa dareenkaaga guud ee xaallada Somaliland, hadaytahay mid dhaqan dhaqaale iyo haday tahay mid nabadeed ama sugitaanka guudee amniga dalka iyo sida aad u aragto?
J: Sheekh Cusmaan Nuur ayaa Alla ha u naxariistee Nin u yimid uu yidhi, “sheekh ii ducee” sheekhii baa yidhi, “ilaahayow wax nala soo moodyee na astur”. Halkii baan joogaa. Somaliland waa nabad hadii aan maamulku nabadaa dhaawicin. Falkii falkuu ku kacay maamulku bishan afarteedii ee ay ciidamada amnigu ku habsadeen maalin cad Xarunta Xisbiga KULMIYE ayaa hadaanu xisbigu si xilkasnimo ka muuqato ula dhaqmin ciidamadaa xisbiga soo weeraray ay suurogal ahayd in arrimuhu faraha ka baxaan oo uu isku dhac hubaysani halkaa ka dhasho. Gudoomiye ku xigeenka laaabaad ee Guurtida oo isna ciidamo gurigiisa baadheen ayaa xigtay. Cabdilaahi Daahir Cukuse oo isna aroornimo lagu waabariistay oo la baadhay ayaa xigtay. Sida wararku sheegayaan dadwayne guryohooda la baadhay oo badan ayaa ka horeeyay dhacdooyinkaa. Baadhid ku salaysan amar maxkamad ka soo baxay ma jirin. Xisbi; Madax Qaran iyo Dadwayne caadi ah midna lama xurmayn karaamadooda. Xuskii 24taad ee SNM-ta khayriyada waa loo diiday.

Shir ay SNM-tu ku qabsan lahayd xaraf iyo mingsing laabadaba waa loo diiday. Waxay ku kaliftay inay dooxa Hargeysa u dhaadhacaan intay dooyaysdaan oo ay halkaa isagu tagaan. Cabudhinta iyo cadaadiska intaa le’egi muxuu keeni karaa? iska horimaatin iyo qarax aan loo baahnayn ayuu keeni karaa. Nabada marka sidaa loo weeteeyo ee ay Xukuumadu sabab u noqoto ee ay hadana Axsaabta Mucaaridka ah; gaar ahaan KULMIYE ku eedayso nabada ayuu khalkhalinayaa sow maaha’ “biddo intaanad biddo ku odhan ayay biddo ku tidhaahdaa” xaalada guud ee dalku waa tu haddii aan maamulkaa dhibaato uga iman iska roonaan lahayd. Hadaynu hoos ugu dhaadhacno amniga guud ee dalka Gobolkaa Sanaag dhibaatooyin baa ka dhacay hada lasoo gabagabeeyay. Agagaarka magaalada Laascaanoodna xaalad gaar ah ayaa ka aloosan. Isku qabsiga dhulka la isku qabsadaa waaka ugu daran ee u baahan wax ka qabad cilmiyaysan oo aanan dadaalkiis hada ku arkayn maamulka. Alla mahad leh beelo isu soo duula iyo dagaaladii noocaa ahaa waynu ka bogsanay. Eebeheen ha inoogu sii wado. Dareenkayga guud ee xaalada maanta ay Somaliland ku sugan tahay warwar ama walwal igama maqna oo waxan arkaa Maamul u muuqda culayska dhibaatooyinka soo waajihay mid aan garanba ama is yeelyeelaya oo sidii gorayada ciida madaxa galinaya.

S: Waxaa soo noqnoqda xaallada guud ee ammaanka dalka marka laga hadlayosugitaanka xuduudaha oo ay mudo 14 sano ah marna ay suurto geli la’dahay insi dhamaystiran loo xidho xuduudaha, Sidee u aragtaa arrintaas? Waxaa kalooraaca inkastoo muddooyinkii dawladihii hore ay suurtogeli weyday fidintamaamulku, hadana waxaa mar walba muuqan jiray rajo shacbigu qabo, maanta sidee u aragtaa quus badan oo dadku muujinayo cidee masuuliyadeedaqaadaysa?
J: Kor waaniga ku xusay in xaalad gaar ahi ka aloosan tahay agagaarka Laascaanood. Mid mid u gee waa laba lagamana murmi karo. 7-dii December 2002-dii-ayaa Madaxwayne Rayaale u darmadii maamulka ka soo duuduubay Laascaanood oo uu duuduubkii keenay Caynabo. Astaan kasta oo qaranka Somaaliland lahaa kana muuqatay Laascaanood maalintaasuu Madaxwayne Rayaale dhidibada u soo saaray. Faalo kale inaka oon galin maamulkaa ragaaday ee hagaasay ee libdhaday ee halkuu gaadhay dib uga soo noqday, ee imikana Madaxwayne Rayaale uu dhaqaajin kari laayahay isaga oo aanay cidi ku wehelin ayaa ka masuul ah. Waanwaanta la wado in Madax Dhaqameedyo Reer Sool ah iyo kuwo Reer Soomaaliland ahi ay is arkaana waxa hor taagan Rayaale. Qof ahaan anigu kama quusni in xuduuda Somaliland ee dawligi ah nabad lagu sugola marka maamul xilkaa qaadi kara aynu igmano.

S: Arrinta ugu danbeysay ee maalmahan taagnayd waxay ahayd, weerarkii oo ayxukuumadu u turjuntay in ay kaga hortegayeen, khalkhal nabadgelyada XisbigaKULMIYE ku hayo, taas oo ay yiraahdeen Idaacad dadka lagu wareerinayo ama lagaga horkeenayo xukuumada ayay keeneen oo xafiiskooda taala sidee uaragtaa?
J: Su’aashan ogaan ayaan qayb ka mid ah ugaga jawaabay jawaab ka bixiyay su’aashaadii kowad. Weerarka la weerary Xarunta KULMIYE dhaawaca uu dhaawici gaadhay xasilloonaanta guud ee dalka ayaan jawaabahayga ugu bilaabay. Gef buu ahaa. Badheedh aan geedna loogu soo gaban in xaalad la abuuro ayuu ahaa.

Khalkhal rid ay ciidamada amnigu u qaasharteen ayuu ahaa. Allaa mahadleh wax u maamulku damacsanaaba KULMIYE ayaa ka biyeeyay oo aanay dhibaato ka iman waayo doorashada golaha wakiilada ayaa bar tilmaameed u ahayd weerarkaa la soo qaaday, in rabshadi ay abuuranto kadibna la yidhaa amniga khalkhalay awgii dustuurka qodobka 42naad faqradiisa 3aad ayaa loo cuskanayaa dib u dhigida doorashada Golaha Wakiilada.Faqrdadaa 3aad waxay qoran tahay sida tan [Hadii doorashada golaha wakiiladu ku qabsooi weydo duruufo adag awgeed, golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaafsi, lagana dooranayo gole cusub. duruufahaa adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni daro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, curudara faafa, abaaro culus. waxaana qiimaynaya kana goaan gaadhaya golaha guurtia ka dib marka golaha xukuumadu sidaa soo jeediyo].

Horyaal hadaynu eegno waa ciidamo malayko oo dalka loo soo diray. Masuuliyiinta Xukuumadu iyaga oo caafimaad qaba haday dhagaystaana kharashka idaacadan ku baxa ayay wax ka bixin lahaayeen. Tusaale: 25kii March Horyaal markay afar cisho oo kali ah hawada ku jirtay, dhacdo aad warbaahinta caalamku u faafisay ugana faalootay ayaa jirtay. Jamhuuriyada la yidhaa Kirkhiistaan oo ka mid ahayd jamhuuriyadiihii badhtanka Aasiya ee midowga Soviet Xukumi jiray ayuu maalintaa ka baxsaday caasimadii dalka ee Bishkak. Askar Bikayeef waa Madaxweynaha baxsadaye wuxu ka baxsaday banaan baxyo dadkii ku qamaameen qasarkii xukunka kadibna ay qabsadeen, mucaaridkaa ugu waynaa ee xidhnaana ay soo saareen. Kadibna woxoogaa qalaanqal ah dabadii maamul dhismay.

Dhacdadaa horyaal may baahin manay soo qaadin ee BBC-da somaliga ayaa qofkii dhagaystay sidii loo faahfaahinayay ee loo buunbuuninayay ee lagaga soo qabtay habkii loo riday shefarnaasihiisii Georgia, kii Victor Yushinko doorashadii Ukraine ka boobay iyo Xukuumadii Omar Karaami ee Lubnaan oo iyadoo dadwaye dhaqaaqay sabab u ahaa ka taqaluskooda. Habeenkaa aan sheegayo horyaal sideed miridh iyo 45 ilbidhiqsi wuxu siiyay war saxaafadeed uu bixiyay Wasiirka qorshaynta Soomaaliland oo uu u jawaaabayay hadal Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay Ha’yado ka tirsan Qaramada Midoobay, mudo 3 miridh iyo 15 ilbidhiqso ahna Horyaal habeenkaa wuxu siiyay booqasho uu Rayaale soo booqday Cusbataalka Guud ee Hargaysa halkaana uu ku arkay Marxuum Maxamed Jaamac Belal Wasiirkii Beeraha oo ku bukay kadibna Jabuuti la geeyay oo halkaa geeridii ku haleeshay. 3 miridh iyo woxoogaa waxay ahaayeen intii idaacada magaceeda mowjada laga helo quraankii lagu furay iyo barnaamijyada la sheegsheegayay.
15kii miridh ee kale saddex heesood baa la saaray. Waar ma idaacadaasaa baa la odhan karaa nabad bay khalkhalinaysaa oo xukuumada ayay ka horjeedaa hadaan wax loo jeedin.?
Tusaale kale march 13keedii Horyaal waxa laga sii daayay xaflad lagu soo dhaweeyay 57 Layli Sarkaal ah oo tobabar soo dhamaystay. Khusbadii Madaxwaynaha oo toos ah ayaa laga sii daayay habeenkaas. Khusbadii Wasiirka Gaashaandhiga oo toos ah ayaa laga sii daayay iyana habeenkaa Horyaal. Waxa kale oo laga sii daayay baaqii uu Gudoomiyaha KULMIYE ka soo jeediyay dhibaatada abaartu ku hayso qaybo Dalka Somaliland ka mid ah. Horyaal markaa miyaanay ahayn idaacad qaran oo lagu faano? Waxan qoslaa qosol qayeyaab ka dhashay marka aan maqlo qalabkii Horyaal ayaa KULMIYE xafiiskiisa ama Gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida ama guriga Cukuse laga daydayaa! Horta waa kowe masuulka askarta soo diray waxan la daydayo ma garanayaa? ma u sheegay ciidanka wax baadhaya waxay ay daydayaan waxa uu yahay? Iyaguna waa ciidankee ma fahmeen waxan ay daydayaan? Gabogabayn, Horyaal dadka iyo xukuumaada iskama horkeenayso. Labadaba way u adeegaysaa. Baahi warbaahineed oo jirtay ayay si caafimaad qabta oo cilmiyaysan u dabooshay. Xukuumadu xaal ha siiso KULMIYE, Gudoomiya Golaha Guuritda, Cukuse, Wariyayaashii ay xidhay iyo qof kasta oo ay gurigiisa baadhay. Hadaanan Horyaal!

S: Miyaad taageersan tahay mawqifka Xisbiga ee ah in aan lala shaqayndhamaan hay’adaha dalka haddaanay jawaab waafiya siinin Xisbiga KULMIYE ooku saabsan dhamaan dhacdooyinkii iska dab yimi ee ay ugu danbaysay tanweerarka xafiiska?.
J: Miyaad iga shakisan tahay waa su’aale maxaad su’aashaa ii waydiisay? Go’aan kasta oo xisbigaa aan ku jiraa ee KULMIYE uu gaadho waxa igu waajib ah in aan taageero.

S: Horta aynu saraaxo ku wada hadalee maxaa ka jira tuhunka Xisbiga UDUB eeah in aad Idaacada Codka Shacabka ee Horyaal leedihiin idinku hadaad tihiin KULMIYE?
J: Xeer saxaafaded ayuu dalku leeyahay. Xisbi (Urur), Ha’yad wadani ah iyo qof kelidii ahiba qaybaha warbaahintu u kala baxdo qaybtuu doono ayuu furan karaa oo uu ka furan karaa dalka gudihiisa. Wixii looga baahan yahay ee shuruudo ah xeerkaa saxaafada ayaa soohdimaynaya. waa xeer “Liberal” macnihii maskax furan oo aan qabo xeer ka furfurani in aanu caalamka sedexaad jirinba. Sidaasaanay dambi u ahayn in KULMIYE iyo Labada Xisbi ee kaleba ay yeeshaan Idaacad, TV station iyo Wargays. Intaan ogahay Horyaal waa Idaacad Madaxbanaan oo qurba jooga Somaliland qayb ka mid ahi isu tagtay oo ay hirgalisay. Sida ay wararka wax ku oolka ee dalka iyo dibadaba u sheegayso ayay ka muuqataa dhexdhexaadnimadoodu. Waxan la yaabanahay idaacadani wararkeeda ku bilaabaysa, “madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo madax kale oo qaran ayaa maanta ka qayb gashay xaflad lagu soo dhawaynayo 57 Layli Sarkaal”. Sababta loogu shaabadaynayo KULMIYE. Horyaal waa sharaf aanaan dadka ka sheeganaynin hadiise nalala jeclaado jawaabtayadu waa, “jamanay”.

S: Xidhitaanka suxufiyiinta iyo hawlwadeenada saxaafada oo ay ka mid tahayxadhigii Xasan Siciid “ Tafatiraaha Guud ee Jamhuuriya”. Labadii hawlwadeenee Horyaal iyo diidmadii ay xukuumadu diiday in laga hadlo khayriyada oo ayugu danbaysay in loo diido Guddoomiyaha Xisbiga UCID in uu ka hadlo Berbera Khayriyadeeda sidee u aragtaa arrimhaas.?
J: September 24-keedii 2004-kii ayaan qoray “Qalinku xurmuu mudan yahay, Qoraaguna xurmuu mudan yahay” maqaalkaas oo Jamhuuriya, Somaliland.org iyo dhawr website lagu baahiyay waxan kaga hadlayay xadhiga saxafiyiinta oo markaa aan soo qaaday Xasan Siciid, Garas iyo Caraale. Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Hoodo Ahmed Qarbooshna kuwaasay la mid yihiin. Xoriyat u hadalka, xoriyat wax u qorka, xoriyad wax u sawirka, xoriyad wax u dhagaysiga, iyo xoriyat wax u daawashada intuba waa xaq Distuuri ah ee xukuumadu ha ilaaliso Distuurka.

S: waxaa jirtay in ay la buuxiyey xubin ka mid ahayd komishanka oo marxuumkii ahayey dhintay, Alle hw naxariistee, xubintaas oo ka soo jeedayxisbigiina, markii aad gayseen Muj: Maxamed Xaashi Cilmi la diiday ooMadaxweynuhu ganafka ku dhuftay soo jeedintiisa, hadderna ay qaateen XisbigaUCID, waxaa sida wararku sheegayaan soo baxay in uu Madaxweynuhu diidaylabadii Xubnood ee korodhsiimada ahayd oo uu ka baqay in aad xubinyeelataan, sidee u aragtaa arrintaas in aad haddaad KULMIYE tihiin aydaanwaxba ku yeelan komishanka, doorashada Baarlamaankana ka qaybgashaan?
J: An ku saxo. Marxuum Maxamed Sheekh Cabdilaahi oo jagasdiisii Komishanku banaanaatay wuxu ka mid ahaa labadii xubnood ee Axsaabta Mucaaridku keentay ee kadib ku biiray - markuun Marxuum Cigaal u gudbiyay Golaha Wakiilada, iyaguna ansixiyeen - Komishanka Doorashooyinkee Qaranka. Marxuumk Maxamed Sheekh Cabdilaahi ma ahayn xisbina isaga iyo xubintii labaad ee wehelisay ee Xisbiyada Mucaaridku soo jeedintooda lahaayeen. Kominshanku waa gudi farsamo. Xisbi hebel iyo xisbi hebel ayay ka soo jeedaan ama ay ku jiraan lama odhan karo sida runtu tahay xeerku uma ogola iny codaayeenba xaala ay sidaa tahay waa lagu xaman karaa xagaasay u xagliyaan ama xagaasay u xagliyaan xeer aahaanse waa dhexdhexaad. Waan maqlay in labadii xubnood ee lagu daray xeerka doorashooyinka in ay ku biiraan Gudiga Doorashooyinka Qaranka hadalo uu Madaxwaynuhu ka soo daba tuuray . Xalay 13kii April 2005 warka Horyaal waxa ku jiray in Xeerkii Doorashada Wakiiladu madaxweynuhu saxeexay oo uu u gudbiyay gudida doorashooyinka qaranka. waxan qaba hadii xeerkii uu saxeexay Madaxweynu, hadaladaynu maqalnay inuu wali daba joogo labada xubnoo ee Gudida Doorashooyinka Qaranka lagu daray aanay imika waxba ka jirin. KULMIYE xubintuu soo jeediyaa in ay gudidaa ku biirto xubin wakiil ka ah KULMIYE ma aha waa xubin dhex ah. Xubin ta kale ee la soo jeediyaa inay ku biirto gudidaa iyana waa inay dhex noqotaa.

S: Dhaaqaalaha dalka marka aynu isha kayara lalino nabadgelyo iyo kacaakufkeeda sidee u aragtaa, Malaga gaadhay wax guul ah dhinacaas?
J: Anigu dhaqaale yahan “economist” ma ahi. Su’aashaaduna way balaadhantahay. Dhaqaalaha dalku isuma dheeli tirna. Wax soo saarkeena iyo waxa aynu khasirnaa isuma dheeli tirna, waxay dibada u dhoofinaa iyo waxaynu dibada ka keenaanaa isuma dheeli tirna. Waxaynu soo saarno ayaa ka yar waxaynu kharash garanayso. waxaynu dhoofinaana wuu ka yar yahay waxaynu dibada ka keeno keeno. barnaamij dhaqaale oo cilmiyaysan oo dhibaatada dhaqaaleheena haysata oo maamulku dajiyay ma arko.

S: Tuhunka Xukuumada ee ah in ay xidhiidh la leedahay dawladii Kenya lagusoo dhisay oo ay u danbaysay waraysigii uu CabdilaahiYuusuf bixiyey ee kusheegay in ay wada xidhiidheen daahir Riyaale, Madaxweynuhuna Beeniyey isagaoo beenintaas uu ka soo weriyey afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdi Idiris Ducaale, maxaad ka odhan lahayd adigu, sideese u aragtaa hawlahaas?
J: Wixii lagu faqaa fagaaruhuu yimaadaa ama ha wada hadlaan ama yaanay wada hadlin wax qarsoomaya ma jirto. Beenaynta uu beeneeyay wada hadalkaa afayeenka Madaxweynaha Somaliland ee aynu maqalnay waxad moodayay in aan meel ka akhriyay mar lagu waraystay Qaahira Cabdilaahi Yuusuf isna inuu arintaa inkiray. Waxaynaan ugu sii dhego taagin arinkaa isaga ah ama ha wadahadlaan ama yaanay wada haline Somaliland wax go lagu qaado ka weyn.

S: Maxaa ka jira idinkaa “KULMIYE” hadaad tihiin wax kasta xagga kale kaeega oo haraga meesha xun ka ursada ee dalku waa cadigisii oo horumar ayuugaadhay miyaanay arrintaasi dhegihiinu maqlayn?
J: Dalku imika marka laga soo bilaabo 18kii May 1991kii tan iyo imika horumar wax ku ool ah ayuu gaadhay. Taasi waa tu aan cidina inkiri karayn. Hase yeeshee, wax badan oo inaga qabyo ah ama guulo aynaan wali hanan oo badan ayaa jira oo Xukuumadi ay gaabis ka tahay. KULMIYE meelaha u taabanayaa waa meelo u baahan wax ka qabad. Tusaale: Baahinta Maamulka, Geedi Socodka Dimoqraadiyada oo hakadkan la galiyay laga saaro, Soohdimaha dalka oo barnaamijkii lagu sugi lahaa la soo bandhigo oo la wada fuliyo, Ummada Somaliland oo la isku xidho oo loo mideeyo siday dhibaatada iyo dheeftaba u wadaagi lahayd iyo muranka oo laga saaro jiritaanka Somaliland iyo wixii jiritaankaa wax yeelaya oo dhan meel looga soo wada jeesto iyada oo xukuumadu kaalmaysanaysa qaybaha bulshada ee kala duwan haday Axsaab tahay ama Ganacsato ama Aqoon yahono ama Haween ama Arday ama Xoolo Raacato ama Shaqaale Dawladeed ama Ciidamada saldhiga uu u yahay jiritaankooda calanka tawxiidka oo ay taagaan oo ay tiiriyaan.

S: Ugu danbayn waxaa soo baxay dareen badan oo qarsoonaa oo dagaal lagulajiro taariikhdii iyo jiritaankii SNM, hawshaas oo dad badan iyo Madax badanlagu eedeeyey, haddeerna ay hormuud ka yihiin saxaafada taageerta Xukuumadasida AwdalNews oo colaad badan u muujisay jiritaanka taariikhdaas xaqiiqadana ka boodsan sidee u aragtaa?
J: Aniga agtayda - nin ani yidhi rag iska reebye - SNM-tu waxay iila mid tahay asaxaabtii “allu badr”. sheeko la xidhiidha asaxaabtaa nabiga Sall-Allahu-Calayhi-Wa-Sallam ee reer badr. Nin ka mida ayaa iyada oo maka ciidan u baxayo warqad u qoray reer Macca oo u dig is yidhi. Arintkii ayaa nabiga (scws) malakul jibriil u sheegay gabadhii loo dhiibay ayaa la soo qabtay oo timiheeda warqadii lagaoo soo saaray markii nabagiii (scws) loo keenay ayaa la waydiiyay waxa ku kalifay. Wuxu sheegay inuu xaas iyo caruur maka kaga yimid cid daafacdana aanu lahayn oo u is lahaa fariintaa aad u dirtay ha laguugu nabad galiyo caruurtii iyo xaaskii.
Cumar Alla raali ha ka ahaadee ayaa yidhi nabi allow ii banee aan qoorta ka gooyee. Nabigii (scws) ayaa ugu jawaaby odhaah macneheedu ahaa ilaahay ayaa daalacday quluubta reer badr oo yidhi waxan doontaan sameeya waan idiin dambi dhaafee. waxan uga socdaa macnuhu maaha SNM dadkii ahaa asaxaabtii nabiga (scws) ayay la mid yihiin macnuhu wuxu yahay abaalka ay Somaliland ku leeyihiin ayaa mid aan la yaraysan karin ah dhib kastoo laga sheegto ama ha jirto ama yaanay jirin waxa lagu iloobayaa ama ay tahay in lagu iloobo waxay Somaliland u tareen ama ay gashadeen. Taariikhda halganka hubaysan ee lagala horyimaado maamulada kali taliska ah waxay kaga yalaan baal dahaba. Waano waxay iga tahay wixii ina dhex maray hadaynu nahay Reer Somaliland waxaynu nidhi wiixii doox yaalana daad ha qaado wixii daaf yaalana dabayli ha qaado waa la is cafiyay. Wax kastoo dhacay waalaga walaaloobay.

Maanta beelo ma nihin, gobolona ma nihin ee xisbiyo ayaynu nahay. Qof kasta oo Reer Somaliland ahi magaaladuu doono ayuu dalka ka degi karaa ganacsi ka furan karaa, beer ka qodan karaa, xoolona ku raacan karaa. Aragti gaabni sanka aan dhaafaynin yaanay dhiisheena buuxsantay inaga kala daadin. SNM intii dhimatayna waa Ehlu-jano inta noolina waa mujaahidiin xag Alla uun ha nool maanta, laakiin naftooda dhimasho u huray, kana murugaysan nolosha ay nool yihiin markay hebel iyo hebel oo shahiiday xasuustaan kana jeclaa inay maanta shuhadadaa ka mid ahaadaan. In aanu hadalkaygaasi dad badan aanu u dhandhamayn gaar ahaan masuuliyiinta qaar waxa u daliil ah xuskii 24-aad ee asaaskii SNM ayaa maanta Hargaysa Khayriyadeedii loo diiday oo laba Hotel oo ay isu arki lahaayeen xubnihii SNM ahaan jiray iyana maamulku ka xidhay ilaa ay dooxa Hargaysa badhtankiisa dooyaysteen oo ay shirkoodii halkaa ku qabsadeen. Kama suurowdo waxay shalay u dhinteen inay maanta kala dhantaalaan iyago geesiyo ah ayay dhinteen maantana iyagoo geesiyo nabadeed ah ayay nool yihiin. Waxan xasuustaa hadalkii Mr Churchil - Prime Minister - ministerkii ingiriika Dagaalkii Labaad markuu amaanayaay ciidama cirka ee Ingiriiska siday u daafaceen England ee uu yihdi, “Never in the history of mankind have so few owed so much to so many”.

S: Maxaad talo xukuumada iyo xsaabta qaranka u soo jeedin lahayd, maxaadseshacbiga kula dardaarmi lahayd?
J: Minister Clement Atlee -Prime Minister - ingiriiska ee xisbiga “Labor-ka” ahaa ee xukunka qabsaday Dagaalkii Labaad ka dib ayaa isaga oo Dimoqraadiyada tilmaamaya yidhi, “Dimocracy is Government by Discussion” oo macneheedu yahay Dimoqraadi waa wax ku Xukun Dood is Waydaarsi. Xukuumada waxa la gudboon wada tashi ay qayabaha bulshada kala duwan arimaha halbowlaha u ah jiritaanka Somaliland la wadaagto.

Distuurkeena inta goor ee ay wada tashi ku jirtaa way badan tahay. Xukuumadu ha u aragto mucaaradadu inay tahay rukun ka mid ah rukunada Dimoqraadiyada oo la’aanteed Dimoqraadiyadi aanay jiri karin. Ha u aragto mucaaradada in ay tahay kafadii labaad ee miisaanka Dimoqraadiyada. Mucaarada iyo Xukuumaduna ha isku arkaan laba is dhamays tiraya oo midina kaligeed aanay jiri karaynin. Talabada horena waa in had iyo goor maamulku soo qaadaa.
Xukuumadu waa inay isu aragtaa shacbigoo dhan inay xukuumad u tahay. Xafiisyada xukuumadu muwaadinka xukuumada taageersan iyo xisbigeeda iyo muwaadinka mucaaridka ah waa inay labadaba isku si ugu furaadaan. Maaanta ka mucaaridkii barituu
xukunka qaban karaa. Xilka masuulku waa inuu u arkaa adeeg u dadka u adeegayo oo aanu u arag wax uu dadka dheer yahay. Shacbigana waxan farayaa inay aaminaan Xisbinimada oo muwaadinku madaxana aanu xisibi ka ahaan wixii madaxa ka hooseeyana aanu reer ka ahaan. Reer Somaliland waxa Illaahay u fududeeyay ee u xasilay ha qadariyaan waxa lagu majeeranayona ha gartaan. Waxan ilaahay ka baryayaa inuu quluubteena isu soo jeediyo xumeheenana kala qariyo wanaageenana is tuso wabilaahi w-bi-llaahi-towqiiq.

S.Waad mahadsantahay Axmed Yuusuf Dualeh
J.Adaa mudan
Somalilandfuture
 

Top


“Kuwa Maanta Talada Hayaa Waa Hadhaagii Siyaad Bare,
Waanay Ka Liitaan”Wareysi – Boqor Raabi Yuusuf C/Laahi

Hargeysa April 17, 2005 (Waagacusub.net) Boqor Raabi Yusuf C//laahi ayaa si ba’an u weeraray Xukuumada Somaliland, isagoo ka hadlay ka hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Xaalada guud ee Xabsiga Hargeisa oo uu muddo 16 maalmood ku jirey, Siyaasada haatan ee Somaliland, iyo ugu dambayntii oo uu ka hadlay xaalada Gobolka Sool.

Boqorku wuxuu ku dheeraaday Xaalada Jeelka Hargeisa taasi oo uu ku sheegay inay ka jirto xaalad bini-aadmi daro oo aad u ba’an markuu ka hadlayey amuurtaasi wuxuu yidhi
’Waxan doonayaa inaan Umada u sheego oo aan u faahfaahiyo gudo iyo dibad-ba xaalada haatan ee Xabsiga Hargeisa taasi oo runtii ah wax laga naxo waxaan u sheegayaa oo aan la socodsiinayaa inta in uun damiir leh ee ka damqanaysa dayaca ka jira meeshaasi inay halkaasi ka taagan tahay xaalada yax-yaxleh oo aan loo adkaysan Karin oo bini-adenimada dhaafsan.

Waxaan ku xidhnaa anigu muddo ku siman 16 beri (cisho) qolka Istoodhka ah ee loogu talo lagay in la dhigo alaabada Jeelka waxaan ku xidhnayn 96 ruux, qofku wuxuu seexdaa in aan ka badnayn Suxul, kii Aidska qabay, kii Marojaajiska qabay, kii Cudurada kale qabay iyo kii TB da qabay intuba halkaasi bay ku jiraan, dhakhtar ma helaan, Daawo ma helaan haba yaraatee, biyo ma helaan, Cunto ma helaan oo saddexda wakhti laba jeer ahaan baa la siiyaa cunto Qamadi ah run ahaantii dadkaasi waxay ku nool yihiin Nolol aad iyo aad u qalafsan, waxa intaasi u dheer kuwii bilaysku laynayeen anigu hada mid baan kaga soo baxay oo ay Rasaas Buruca kala goysay banaankuu yaalaa cidi uma gurmato, Daawo looma keeno cidi ma xidho, halkii baan kaga imid hada kama warqabo inuu dhintay iyo in kale.

Jeelku Totally Musqul ma leh xataa Ciidanka ilaalada ah baan Musqul lahayn Maxaabiistana hadalkeeda daa, Anigu waxaan ku jirey mudo 16 cisho ah waxanan ku jirey mid aan odhan karo waa qolka ugu ladan Bac baan ku kaadshayey mudadaasi marka bilxaqiiqan xaalada dadkaasi ku sugan yihiin waa mid aad iyo aad u liitada oo u baahan in loo gurmado.

Waxaan kula dar-daarmayaa Umada Islaamka inta diir naxa leh inta ay wadaniyadu ku sii dambayso in xaaladaasi wax laga qabto oo loo kaco, waxa iga xasuusin ah in aan idinka siin doono maalmaha inagu soo fooleh hadii Eebe idmo warbixin faahfaahsan, Faashiistayaashii laga sheekeynayey umay dhaqmi jirin sidaynu Taariikhda ku hayno South Africa oo kaleeto iyo meelihii sida wayn dadka loo gumaysan jirey , marka waxaan labaad ku boorinayaa Umada Islaamka ee dadnimada iyo damiirku ku jiro oo aan ku boorinayaan in dadkaa Islaamka ah ama dambi ha galaan ama yeyna galine in Xuquuqdooda aas’aasigaa ee ay leeyihiin loo tixgaliyo, waxa kale oo intaasi u dheer waxa lagu soo xukumaa Telephone, waxa u xidhan Telefoon qaar badan oo ka mida dadkaasi, hebel iyo hebel waa heshiis wayna iga soo horjeedaan soo qabo, waxan ku xukumay sanad dhitayshin ah lix bilood oo dhitayshin ah, qaar baa saddex sanadood ku jira oo aan ilaa hada la ogayn ciday u xidhan yihiin iyo waxay u xidhan yiin ujeedadoodu waa iga hay uun, qaar baa u xidhan Been abuur suuqyada dadka laga qab-qabtaa, waxa kale oo ay ii sheegeen qolyaha Jeelku in rag meeshaasi gudaheeda laga furo Xaasaskoodii waxana la odhanayaa hada fur hadii kale waad xidhnaanaysaa waa dhab waa jirtaa Markhaati yaa loo hayaan, meeshaasi waxa ka jirta xaalad aad u fool xun.”

Boqor Raabi Yusuf oo xaaladaasi Jeelka Hargeysa aad ugu dheeraaday waxa kale oo uu ka hadlay Xaalada Siyaasadeed Somaliland mar uu arintaasi ka hadlayey wuxuu yidhi’ Maamulka meesha ka jiraa waa maamul aad iyo aad u Daciif ah, waa Maamul Siyaasad xun oo Jaho xun waxan xasuustaa Dawladii Siyaad Barre ninkii la odhan jirey Gaani (Maxamed Xaashi Gaani) Hargeisa ayuu haystay dadka wuu layn jirey wuu kicin jirey deedna waxaa ka dhashay bixintaankii SNM Gaani baa sabab u ahaa, markii Gaani laga bedelay waxa ku xigay Morgan (Maxamed Siciid Xirsi) Morgan wuxu eegi jirey dadka Hungurigooda wuu ka duwanaa Gaani oo waxa dadkii kaga darnaaday kii laynayey kii Dhaqaale la dirirka ahaa inkastoo labadooduba dadka layn jireen oo ay cadaadis ba’an ku hayeen, Morgan wuxu ahaa ninkii yidhi (Alaabta ka timaada Xiis iyo Maydh waa inay martaa Garoowe waa inayna soo weecan) waxa kale oo uu soo saaray oo uu yidhi (alaabta kasoo degta Jabuuti iyana waa inayna soo dhaafin Boorama inta badan Cali Xaydh baa laga leexin jirey, midbaa dib loo celin jirey way nagii ogayn wixii ka dhacay, waa la og yahay runtii kuwa maanta joogaan way ka liitaan waa hadhaagoodii Hangash, Guulwadayaashii iyo Joomitiradii weeyaan aad bayna uga sii liitaan, marka aad u fiirsato waxyaabaha ay ku dhaqmayaan waayo iyagaa kicinsamaynaya maalintii dhawayd ee ina Reyaale kasoo degay Madaarka Hargeisa Rag iyo Dumar wixii degenaa Area da Madaarka Ubax iyo Caleemo qoyan bay kusoo dhaweeyaan iyaguna waxay sameeyeen Argagixiso Ciidankii Qaranka kii Oog joogay iyo kii halkan joogay dhamaantood waa nala duldhigay Tikniko ayey galiyeen Caruurtii sasbay naga qaadeen sabab Tiknikadaasi nagoo dhul dhigay oo nagoo galiyeyna ilaa hada nalooma sheegin iyo waxaanu ku kasbanay ee Ciidanka iyo Tiknikada nalagu dhuldhigay, Caleemo qoyan baanu kusoo dhawaynay oo aanu ula taagnayn saddex cisho ayaa lagu hawlanaa xaaladaasi, Tiknikadii iyo Bay-bay yadii guri-guri baa naloo hor dhigay Ummad karaamo leh oo degaanka Hargeisa ah baanu nahay waxba nalagalama socodsiin waxba nalooma sheegin Caruurtayadii iyo Dumar kayagii Argagixisaa lagu sameeyey ilaa hadana ma hayno wax faah-faahin ah iyo raali galin toona oo ay naga siiyeen ma jiraan, waxanu u sheegaynaa hadii ay joojin waayaan oo ay ka waantoobi waayaan anaga laftayadu waxbaanu iska waydiin shirna waanu ka yeelan Talaabo wax ku ool ahna waanu qaadi doonaa hadii ay joojin waayaan xaalad Abuurka intaasi le'eg, dadkii Karaamada lahaa karaamadii bay ka qaadayaan dhulkoodii baa la boobayaa waana laynayaan, waa layska xidh-xidhayaa wax loo qabanayaa haba yaraatee ma jirto bilxaqiiqan arin aanu ka adkaysan karayso maaha intaa ka badan, waxa ku xigtay dhacdadii foosha xumayd ee lagu sameeyey Xisbiga Kulmiye weerar baa lagu galay oo lagu qaaday wax haba yaraatee dadka laga socod siiyeyna ma jirto degaan kiibaanu nahay inaanu wax ka ogaano weeye, Mas’uuliyiintii dalkaanu nahay Madax-dhaqameedyadii Ummadaanu nahay waa in marka Xaaladaasi oo kaleeto la abuurayo wax nalooga sheego Talaabadaasi khaldan baa lagu dhaqaaqay waa lagu weeraray si fool-xun waliba, waa loogu Hanjabayaa oo lagu Hadidayaa, dadku ma daawan karayaan Xaadalaha noocan ah”.

Boqor Raabi waxa kale oo uu si kulul uga hadlay Gudoomiye ku xigeenka Guurtida oo Ciidamada booliska Somaliland gurigiisa u dheceen wuxuna ku tilmaamay Talaabooyinkaasi kala dambeeyey qaar aan laga fiirsan oo Digtatooriyada salka ku haya.

Boqor Raabi Yuusuf C/laahi wuxuu ka hadlay xaalada Gobolada Bariga Somaliland Sool iyo Sanaag siiba arinta Gobolka Sool mar uu ka hadlayey arintaasi wuxuu yidhi ’dadka degaankaasi waxay leeyihin Somaliland baanu nahay war albaabka naga fura diyaar baanu idiin nahaye, Anagu ka hogaan Dhaqameed ahaan waanu la kulanay ina Rayaale isagaa na siiyey Mandate ah inaanu la xidhiidhno Garaadada degaanadaasi oo aanu hawshaasi wax kasoo qabano, hadana wuu beeniyey ee lahaa waxba kama jiraan cid aan ogahayna ma jirto Garaadadii halkii bay taagan yihiin oo ay kasoo qaylinayaan, waxaanu leenahay haddii aan Anaga nala Aaminayn ama aan waxba naloo dirsanayn waxba kama qabno, balse haka furan albaabka dadka degaanaasi ma doonayno inay Somaliland kala Googo’dee oo hala qaabilo oo halala hadlo, si diiran haloosoo dhaweeyo oo waxay doonayaan iyo waxay diidan yihiin hala waydiiyo oo halaga badliyo, hadiise la diido oo ay taasi dhici waydo Anagaa la shiri oo Iskayo ula xaajoon oo kala hadli doona waxa naga dhexeeya.”
Ugu dambayntii Boqor Raabi Yuusuf C//laahi wuxuu ka hadlay sababtii loo xidhay iyadoo Xabsiga Hargeisa loo taxaabay sanadkii laga soo gudbay 20 bishi December mar uu ka hadlayey xadhigiisaasi wuxu yidhi’Aniga waxa laygu xidhay Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa yidhi Munaasibad aanu isugu nimid Hotel Ming-Sing waa in la qabtaa shir Isaaq, Shirkii Borama ee 1993 Beelaha kale waxay ku tageen arin midaysan laakin beesha Isaaq kumay tagin arin midaysan oo habqan bay ku tagtay marka arintaasi uu soo jeediyey Suldaan Max’ed waan taageeray sidan filayo se Suldaan Max’ed wuu la laabtay arintaasi balse anigu waan taaganahay waxaanan ugu baaqayaa Beel waynta Isaaq in halkii aan ka taaganahay Shirkaasi oo aan diyaar u ahay, kana hadhi maayo waa arin wax ku ool ah anigaana diyaar u ah inaan hormuud ka noqdon anigaa soo qaban qaabinaya kusoo dhawaada ayaan leeyahay.”

Boqor Raabi Yuusuf C//laahi oo ugu waramay Beertisa wayn ee magaalada Hargeisa waaga cusub waxa la weydiiyey dhawr su’aalood wuxuuna u dhacay waraysigii sidan:-

Su’aal: Boqor waxaad sheegtay inaad qabanqaabinayso Shir ay yeelato Beesha Isaaq marka maxay tahay sababta Shirkaasi, yaase kugu taageersan waad u jeedaa oo beelkastaa waxay leedahay Madax-dhaqameedyo fara badan?
Jawaab: waa su’aal aad iyo aad u wanaagsan, horta waxaanu ka wada hadlaynaa sidii aanu iskugu soo dhawayn lahayn beesha oo haatan aad iyo aad u kala daadsan iyo sidii laysu kaashan lahaa Caqabado kasta oo lasoo darsa waa in la falanqeeyo oo laga wada hadlo wixii kasoo baxane Umadoo dhan bay wax tar u leedahay, tan taageeradana dad badan baa igu taageersan waana arin aad iyo aad u wanaagsan waanan soo dhawaynayaa cid kasta oo danaynaysa Shirkaasi diyaarna waan u ahay taageero badane waan u hayaa, aadna waanu u jecel nahay isu-soo dhawaanshaha beesha.
Su’aal: waxad sheegtay inaad la xidhiidheen Garaadada Gobolka Sool yaa ka mida Garaadadaad la xidhiidheen?
Jawaab: walaahi Garaadada Sool oo dhan xidhiidh wanaagsan baanu leenahay, waa Garaadadii degaankasi oo dhan way danaynayaan waa niman Odayaala xidhiidh wanaagsan baana naga dhexeeya waa niman aad u danaynaya dadkan wada dhashay ee degaanka iyo Diintaba wadaaga in si wanaagsan layskugu xidho.

Su’aal: waxa jirta Mas’uuliyiin kasoo jeeda degaankaasi oo ka mid yihiin Xukuumada Somaliland oo matalayaan dadka degaanadaasi, marka taasi Caqabad maku keenaysaa xidhiidhkiina, mase isku xidhan tihiin iyaga?
Jawaab: qolyaha halkan ka joogta ee Gobolka Sool matasha waxad moodaa inayna beesha si toos ah ugu xidhnayn, laakin Anagu waxanu ka wada xidhiidnay, ka Hogaan dhaqameed-ahaan mana jiraan wax xidhiidh ah oo aanu la leenahay kuwa halkan ka jooga.

Su’aal: waxa jirta in Xabsiga lagu taxaabay 20 bishii December sanadkii aynu kasoo gudubnay, sidaasi darteed warar doceedyo ayaa sheegaya inaad Maxkamada furayso Xukuumada ka dhan ah arintaasi maxad ka leedahay?
Jawaab: arintaasi way jirtaa waxaana doonayaa inaan Maxkamadaa furo, hadiise Maxkamada halkan ka jirtaa ay xataa qaadi waydo waxan jeclahay inaan furo Maxkamadaha Caalamiga ah ee wax lagu dhagaysan karo inaan ka furo Kiis kaasi, waayo Sharaftaydii iyo Dignity gaygii meel baa lagaga dhacay haddii dadka taasi lagu sameeyana waxay noqonaysaa mid aan Umada u cuntamaynin.
Su’aal: Boqor ilaa hada ma haysa wax raali galin ah oo ay Xukuumada Somaliland kaa siiyey xadhigaasi?

Jawaab: waxaad moodaa inayna waxbaba ka ogaynba siday iigu Dhagooleeyeen dadkana cidii ay la xidhiidheen waxaad moodaa inay si kale oo aan sidii wax ahaayeenba ahayn ay wax ugu sheegen, iska daa raali galinoo waxad moodaa inay kuba Tiiq-qiiqsanayeen oo ay awood u isticmaalayaan cabudhinta iyo cago juglayntaasi Cabsi galin, Aniga kaliday maahee Muwaadiniintoo dhan bay ku dhacday arimahan oo kale, marka Cabsi galin baa la yidhaa, waa tan ugu dambaysay ee Kulmiye hada u Hanjabaysa.

Su’aal: waayo dadka ay Xukuumadu la xidhidhay ee aad leedahay si khaldan baa wax loogu sheegay ma cid idin dhex-dhexaadinaysaa adiga iyo Xukuumada?
Jawaab:- kolay Odayaasha beeshayda ayey la xidheedheen, iyagoo u tusaya waji kale oo iska kaayo horkeenaya aniga iyo beeshii, iyagoo doonaya inay beesha kala fur-furaan, oo ay isku dhuftaan beesha dhexdeeda taasina diyaar uma nihin beeshuna isku dhici mayso aadna waan uga xumahay inay sidaasi u dhaqmaan horena way u sameeyeen imikane tii bay wadeen, walaahi aad iyo aad baa uga xumahay inay taasi ku kacaan waxanan leeyahay Edebsada.

Su’aal:- Ugu dambayntii maxad usoo jeedinaysaaa Shacabka iyo Xukuumada Somaliland?
Jawaab:- Waxa aan leeyahay horta Maamulkan cida ka Mas’uulka ah, Islaanbaa waxa yidhi Oday-geediibaa ka dhintay deedna waxa dumaalay nin yar deedna waxa dhacday is-fahmi waa dhexdooda ah oo farsamooyin badan oo Odaygii hore samayn jirey ayey Saluugtay oo uu waxba ka garan waayey deedna waxay tidhi Alla huuno Inanyari Qabis xumaa!!!!! Markaa waxaan leeyahay nimanka Maamulkan haysta waa niman Maamulkoodu aad u debecsan yahay oo u liito, oo aad moodo inay Siyaasadaba dibada ka yihiin waayo waa niman aan Siyaasad iyo Maamul soo marin oo aan Ehel u ahayn oo aan shaqo ku lahayn, marka waxaad moodaa sida qalafsan ee ay dadka ula dhaqmayan Jees-jees oo ay ku ciyaarayaan dadkiina waa daawanayaa, marka waxaan leyahay Umada dalkan leh ee Aqoonyahanka ama dadkii usoo halgamay ee dhibta usoo maray waxaan leeyahay wadanki wuu dayacan yahaye haloo soo gurmado Wadanka.

Ugu dambayntii Boqor Raabi Yusuf C//laahi wuxuu ka hadlay khilaaf iyo xasilooni daro Xukuumada Somaliland sabab u tahay oo ka taagan degaamada Hawdka oo sida uu sheegay beeshiisu u badan yihiin degaan ahaan kaasi oo haatan sida uu sheegay xaaladaasi ku dhaw dahay isu socod la’aan iyo isu-bixid la’aan ka dhex aloosan beelaha degaan kaasi wuxuuna mar uu arintasi ka hadlayey yidhi’ gawaadhidii baa la gubayaa dadkii waa is dilayaan dadkii isku daaqsinta ahaa ee isku degaanka ahaa ee Ehelka ahaa colaad baa lakala dhex dhigay waxana xaaladaasi xun loo tirinayaa Xukuumada Fadhiidka ah ee meesha ka jirtaa inay abuurtay, wax nalagala socod siiyeyna ma jiraan, dadkoodii masaankiinta ahaa ee Musaafurka ahaa ayaa halkan lagu xidhayaa oo lagu xukumayaa waana arintan ay noo sheegeen ee ay nagula gor-gortamayaan ee ay leeyihin anaba dadka yagii Hargeisaa lagu dilayaa oo sidii la rabo loola dhaqmayaa, balse kii dambi gala yeel kiis laakiin dadka waa in loola dhaqmaa si cadaalad ah oo la kala saaraa.

Hadalkaan kasoo yeedhay Boqor Raabi Yusuf C/lahi wuxu daba joogaa ka dib markii Xukuumada Somaliland Xabsiga Hargeisa u taxaabtay dad u dhashay degaanada Kilinka Shanaad ee dalka Itoobiya taasi oo Xukuumada Somaliland ku Xukuntay xadhig u dhexeeya saddex ilaa Shan sano iyadoo ku eedaysay inay ka tirsan yihiin Ururka lagu magacaabo ONLF kaasi oo dagaal kala soo horjeeda Dawlada Itoobiya iyadoo Xukuumada Somaliland-na ku raadinaysa isu soo dhawaansho ay ka hesho Dawlada Itoobiya taasi oo ay u gacan galinayso dadkaasi Masaafurka, waxana haatan Xabsiga Hargeisa ku jira dad kor u dhaafaya 30 ruux oo dhamaantood u xidhan magaca Ururka Xornimo ku dirirka ONLF, waxana dadkaasi dhamaantoodba gacanta lagu dhigay badhtamihii sanadkii aan kasoo gudubnay iyadoo isla markaana Maxkamada Hargeysa xukun ku riday.
Waxa Waraysigan qaaday Barkahd Dahir Ismail' Hargeisa,
 

Top


“Waxa Aanu Ogeysiinaynaa Madaxweynaha In Axsaabta Qaranka Iyo Shacbiguba Qaanac Ka Taagan Yihiin, Qalalaasahana Uu Masuul
Ka Noqon Doono”

Shir-Jaraa’id – Eng.
Nasir Xaaji Cali –
Afhayeenka UCID

Hargeysa April 17, 2005 (Haatuf) masuuliyiinta xisbiga UCID ayaa shalay ka xogwaramay socdaalkii ay ku soo mareen gobolada Bariga iyo Saaxil, waxaanay sheegeen in deegamada bariga ay ka jiraan dhibaatooyin nabadgelyo, dhaqaale, siyaasadeed, nololeed iyo faragelin debadeed, islamarkaana waxay xukuumada Rayaale ku dhaliileen sida aanay waxaba uga ogayn wacyiga dalku marayo, iyagoo ku tilmaamay inay xukuumadu maamulkii ku soo ururrinayso magaalada Hargeysa, taasina ay tahay mid aan la sii eegan kari.

Waxayna sidaa ku sheegeen warbixin dheer oo ay kaga warameen socdaal toban maalmood ah oo ay ku soo mareen goboladaasi, taasoo uu shalay shir-jaa’id ka akhriyey afhayeenka UCID Inj. Naasir Xaaji Cali Shire, warbixintaasina wuxuu ku bilaabay sidan:“Socdaalkii uu ku tegay wafdigii xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ( UCID)uuna uu hogaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga Inj. Faysal Cali Waraabe ee bisha Abriil 3-dii illaa 13-kii 2005 gobolada bariga Somaliland iyo gobolka Saaxil, ayaa wuxuu ahaa Socdaalkii sideedaad ee xisbigu ku tago gobalada Togdheer, Sool iyo Sanaag illaa sanadkii 2001, waxaanuu imminka ku soo beegmay seddex sano ka dib geeriddii madaxweyne Cigaal iyo laba sano ka dib markii la doortay madaxweyne Rayaale.
Xaaladda guud:

Gobolada Bari iyo gobolka Saaxil waxay ku sugnaayeen xalaad naxdin iyo murugo nagu beertay, waayo gaajadii iyo saaboolnimadii ayaa sii baahday, oo shacabkii ka dhigtay foqora siman oon raasna raas dhaamin, qoysna qoys dhaamin, oo qofna qof dhaamin. Waxaa kaloo ku habsatay abaar saamaysay dad iyo duunyaba oo u baahan gurmad degdeg ah oo ah heer caalamiya iyo mid qaran.

Baahida baahday waxay ku qasabtay dadkii reer xoola dhaqatada ahaa in ay dhirtii shitaan iyaga oo dhuxul ka doonaya si ay uga helaan nolol maalmoodkoodii. Baabuurkii kaa hor yimaadaaba oo sida caadado ahaan jirtay xoolaha sidi jiray hadda nasiib darro wuxuu baabuur kastaaba sidaa dhuxul laga soo shiday dhir qoyan. Duruufahani waxay dad badan ku qasabtay inay ku soo qulqulaan magaalooyinka iyo tuulooyinka.
Haykalka dawladnimo:

Sannadihii hore maamulka dawladnimo wuu ku yaraa Gobolada bariga laga bilaabo gobolka Togdheer, hase yeeshee wuu kobcayey marka laga soo bilaabo 1997. Dadkuna waxay ku noolaayeen yididiilo iyo rajo ay ka qabaan in haybadda dawladnimo si fiican u soo gaadhi doonto.
Haddaba safarkankan aan ku tagnay gobolada bariga waxa ka muuqatay dawlad la’aan, rajo la’aan iyo yididiilo la’aan oo sababtay in sharcigii gacanta lagu qaato.Waxayna arrintani keentay isku dhac beeleed oo keenay dhimasho iyo dhaawac oo nabad gelyadiina xumaysay. Shakhsiyaadkii ka waakiilada ahaa dawladda dhexe sida Badhasaabka , boliiska iyo madaxdii hay’adaha dawladda waxaa ku dhacay dhaqaale la’aan, niyad jab iyo karti darro markii dawladii dhexe waxba ka qaban weyday baahidoodii . Maamul la’aanta gobolada bariga waxay keentay dilal gaadhaya 18 qof oo ka dhacay gobolka Sanaag oo keliya illa bishii Dec.2005. Taasi waxay ku tusaysaa in markii waxqabadkii dawladnimo meesha ka baxay ay beelihii wada deggenaa isku dileen dhaqalaha yar iyo mashariicda yar yar ee ay hay’adaha ajnabiga keenaan.Dhammaan shacbiga aan la kulanay su’aasha qudha ee ay mar kasta ku weydiinayaan waxa weeye Meeday Dawladdii.

Gobolka Sanaag waxaad mooddaa in loo diyaariyey loona banneeyey in ay Majerteeniya qabsato sidii LaasCaanood, inkastoo shacbiga Sanaag Bari oo si xooggan u doonaya in la soo gaadhsiiyo maamulka ay ku dhacday niyad jab weyn iyo shaki ay ka qabaan madaxda Somaliland, iyagoo isweydiinaya tallow xukuumaddu daacad ma ka tahay gooni isu taagga Somaliland.

Magaalada Ceerigaabo oo maamulka soomaliland ku xooganaa mar wakhtigii Marxuumkii Cigaal, ayaa imminka waxa ka jira maamul daciif ah oo magac u yaal ah. Waxaana qas ku haya gacmo madow oo ka socda Majeerteeniya, iyaga oo ku guulaystay in ay kala foogeeyaan beelaha wada deggen. Waxay arrintani dhalisay nabadgelyo xumid ay hay’adihii sama falku ka hawl geli kari waayaan degmada ceerigaabo. Waxaannu ogaanay mar kasta oo ay doonayaan in hay’aduhu ka hawl galaan gobolka in ay maamulka Majeerteeniya oo warbixinta ka hela magaalada Nairobi ay ka ridaan falal argagixiso si loogu arko gobolka meel muran ka taagan yahay. Waxay Majerteeniya ku guulaysatay in ay gurato khayraadka Gobolka Sanaag Sida Xoolaha, Beeyada iyo Kalluunka ayna ku beddelato Lacag faalso ah oo Cabdillahi Yusuf soo samaystay.

Dhammaan dadka gobolada Barigu waxay na weydiiyeen sababta lacagta soomaliland loogu keeni waayey.
Xaaladda Nabadgelyo:

Dhamamaan waxa ay goboladaasi ka siman yihiin nabadgelyo ku fadhida is afgarsho dhexmartay beelaha wada deggen oon sal adag lahayn. Dhammaan waxay ka siman yihiin iyagoo ay ka hawl galaan boliis ka soo jeeda beelaha wada deggen oon tababar, aqoon iyo dirays lahayn. Isla markaana mushahaar fiicanna aan qaadan. Waxa kale oo nasiib darro ah in ciidanka boliiska marka ay hawl gal samaynayaan in la kala saftaan ciddaha ay yihiin sidii ka dhacday magaalada Ceerigaabo maalintii Sabtida ee ay bisha Abriil ahayd 9-ka. Waxaa xusid mudan in nabadgelyda gobolka Sanaag ay gacanta ugu jirto ciidanka qaranka ee lixaad. Waxayna arrinatani ka mashquulisay hawshoodii loo igmaday.
Waxaannu ku soo ogaanay in gobolada bariga ay wasaaradda arrimaha guduhu ay hawl gab ka tahay.
Xalaadda Caafimaad.
Gobalaadaasi waxay ka siman yihiin adeegyadii caafimaadka oon dhammaantood aan shaqaynayn, degmooyinkana aanay joogin Dhakhtaro iyo Kalkaaliyaal. Waxaana goboladaa ku sii badanaya cudurada TB-da, nafaqao darada iyo dhimashada carruurta. Waxaa nasiib darro ahayd in cisbitaalka magaalada Burco ay ugu dhinteen qaar ka mid ah ardaydii gaadhigu kula dhacay duleedka Shiikh daryeel la’aan ku dhacday dhaawacii la dhigay CisbitaalkaGuud ee Burco.
Xalaada Waxbarashada .

Heerka waxbarashada ee goboladdaasi aad bay uga hooseeyaan heerka waxbarasho ee gobolada Awdal iyo Hargeysa. Magalada Berbera waxaannu ku soo aragnay arday wax ku dhiganaysa fasal 4x4m oo aan marawaxad iyo AC toona lahayn oo arday gaadhaysa 70 carruuri ahi fadhido.
Xalaada Dhaqaalaha .

Madaama laf dhabarka dhaqalaha dalku ahaa xoolaha nool, laana joojiyay. Isla markaana Gobolada barigu ay aad ugu tiirsanaayeen dhoofinta iyo iibka xoolahaa, ay arrinatani dhabar jab ku noqotay dhaqaalihii goboladaas si gaar ah. Isla markaana aanay jirin wax lagu beddelay, ayaa kor u sii qaaday shaqo la’aan baahsan oo ku habsatay shacabkii Somaliland siiba gobolada Bariga, tiiyoo ay heerka baahido marayso 95%. Waxaana noo caddaatay inay tani tahay meeshii ugu hoosaysay ee heerka baahida ee taariikhda Somaliland.
Aragtida UCID:
Waxa xaqiiqo noqotay in labo sano ka bacdi markii loo doortay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa hoggaanka dalka bishii Abril 2003, awoodna loo siiyey inuu dhiso dawlad qaran oo kooban oo tayo leh, kana xor ah beelnimo, inuu iska dhego tiray, magacaabayna dawlad ka kooban 47 xubnood oo waxay ku salaysan tahay aanay jirin. Isla markaana wuxuu xukunkii ku soo uruuriyey koox yar oo badankooda hore u qaban maamul heer qaran, khibradna lahayn. Kooxdaasi waxay awoodoodii isugu keeneen inay go’doomiyaan madaxweynaha, iyagoo ka fogeeyey dareenkii shacbiga iyo xaqiiqada dalka ka jirta. Kooxdaasi waxay madaxweynaha u tustay in xisbiyada mucaaridku aanay dalka wax talo ah ku yeelan, ayna yihiin cadow ku jihaysan isaga.

Maamulka Madaxweyne Rayaale intii uu xilka hayey, waxa caddaatay inuu maamulkii uu dhaxlay daciifay, dhaqaalihiina xaalufay, musuqmaasuqiina baahay, Dekeddii Berberana soo xidhmayso, shirkadihii waddaniga ahaana ay kaceen sida shirkadihii diyaaradaha iyo dhismaha, wax ka dhaca mooyee, waxna ku soo kordhin dalka. Waxa kale oo soo yaraaday sharaftii,sumcaddii iyo haybaddii aan ku hanan lahayn aqoonsi caalamiya, tiiyoo uu maamulka Rayaale dhaawacay magaca Somaliland ku lahayd dhawrista xuquuqda bani aadamka iyo diimuqraadiyadda. Isla markaana uu dhantaalay hanashadii iyo sugiddii xuduudaha Somaliland. Intaas waxa ka sii daran intii uu xilka hayey inuu soo fayday, soona banneeyey degmada Laascaanood, sababtayna in maleeshiyada Majeerteeniya si hawl yar u qabsato.

Waxa kaloo dhacday in nidaamkii iyo kala dambayntii dawladnimo ay debecday oo sharcigii meesha ka baxay. Cidina cid ka amar qaadan. Maxkamadihiina ay noqdeen goob xaraash. Waxa kale oo beryahan dambe soo if baxay in wasiiradii madaxweyne Rayaale ay nabadgelyadii dalka khal khal gelinayaan, iyagoo isticmaalaya tabo, cago juglayn iyo awood sheegasho sidii arrintii foosha xumayd ee lagula kacay xarunta xisbiga Kulmiye ee Hargeysa iyo maalintii xisbiga UCID ka hadlayey fagaaraha xarunta xafiiska Burco. Daqan xumidan oo astaan u ah maamulada fashilmay.
Waxa uu xisbiga UCID ugu baaqayaa madaxweyne Rayaale in uu raalligelin (apologise) degdeg ah ka bixiyo falalkan, isla markaana uu tallaabo sharciya ka qaado ciddii ka mas’uulka ahayd.

Haddaba dhacdooyinka iyo qaar kale oo badani waxay ku tusayaan in maamulkani jiritaanka iyo nabadgelyada Somaliland aanu danaynayn. Isla markaana uu meel kaga dhacayo karaamada shacbiga Somaliland ee u soo halgamay dalkooda si ay u gaadhaan horumar iyo caddaalad.
Haddaannu nahay Xisbiga UCID waxaannu ka xunnahay in Madaxweyne Rayaale caaddaystay inuu ummadda u sheego ballanqaadyo aannu fulin sida Wafdigii wasiirada ahaa ee ka imanayey Djibouti, Xafiiskii Djibouti ee ay ka furanayeen Hargeisa, Derajadii Ciidamada, Idaacadii iyo TV-gii weynaa, Wafdigii AU ee xaqiiqo raadiska ahaa iyo wafdigii Koonfur Afrika.

Waxa kaloo xisbiga UCID ogaaday in Madaxweyne Rayaale oo xafiiskiisa fadhiisto seddex maalmood oo keliya toddobaadkii, taasoo keentay in Wasiiradiisii intooda badani ku daydeen oo aanay ka soo xaadirin xafiisyadooda, wax hawl ahna aanay ummadda u qaban.

Ugu dambayntii waxa Madaxweyne Rayaale maamulkii dalka ku soo uruuriyey magaalo madaxda Hargeisa oo keliya.
Soo Jeedin:
Waxa Xisbiga UCID ugu baaqayaa Madaxweyne Rayaale inuu shacbiga u sameeyo dawlad ka soo baxda waajibaadka qaran ee loo igmaday. Isla markaana uu fuliyo ballamihii badnaa ee uu u qaaday shacbiga. Waxa aannu Madaxweynaha uga digaynaa in haddii aanu wax ka beddelin hab dhaqankan in dalku geli doono mugdi iyo qalalaase uu isagu mas’uul ka noqon doono. Waxaannu ogeysiinaynaa Madaxweynaha in shacbiga Somaliland iyo xisbiyadu qaranku ay qaanac taagan yihiin, dulqaadkiina ka yaraanayo, loona dulqaadanayn intaa wax ka badan in la daawado dalkii oo sii dumaya.

Waxa xisbiga UCID u muuqatay in awooddii loo igmaday madaxweyne Rayaale ay gacmo kale la weheliyaan, una madax bananaanayn go’aamadiisa.
Waxa xisbiga UCID uu si xoog leh u cambaaraynayaa cabudhinta iyo cago juglaynta ay la soo baxday xukuumaddu, laguna tirtirayo xuquuqdii muwaadinka, laguna jabinayo distoorka. Waxaana u dambaysay dhacdadii loogu diiday Dhallinyartii Mujaahidiinta in ay shir ku qabsadaan Hoteelka MingSing.

Ugu dambayntii waxa xisbiga UCID ku boorinayaa shacbiga Somaliland inay illaashadaan midnimadooda, nabadgelyadooda, iyo qarankooda, iskuna hallayn xukuumadda Rayaale ee gabtay hawsheedii. Isla markaana ay iska illaaliyaan danaystayaasha kala qaybinaya ee aan danta ummadda wadin.” Inntaa kadib waxa la weydiiyey su’aalo, waxayna u dhaceen sidan:

S: Arrimaha bariga ee qaarkood sida aad sheegteen ay dhaceen intii weftigiinu joogay gobolada bariga, gaar ahaan Sanaag, ma kala hadhasheen maamulka
J: Intii aanu joognay maamulka Gobolka Togdheer iyo Sanaagba waanu ogeysiinay intii aanu joognay.

S: Maxaad uga jeedaa madaxweynuhu maamulka uma madax banaana oo waxa gacmaha kula jira dad kale?
J: Waxaan uga jeedaa kooxo wasiiro ah oo ku xeeran oo ka qarinaya xaqiiqada jirta ee dalku ku sugan yahay oo warbixin ka duwan xaqiiqda bixinaya oo siinaya madaxweynaha, mana magacaabayee ummadda sheegi doonta.

S: Dhaliilaha badan ee xukuumadda aad u soo jeediseen mid ilaa maalintii madaxweyne Rayaale talada dalka qabtay loo jeedinayey ama xisbigiinu ha u jeediyo ama xisbiga kale ee mucaaradku, wax talaabo ah oo dhinaca xukuumaddu madaxweyne Rayaale ka yimaada oo la bedelaana ma jiraan, waaxna leedihiin wixiina way sii socdaan sideed markaa u aragtaan?
J: Intii hore xisbiyadu waxay isku dayayeen inay noqoto tusaalayn xukuumadda, isaga oo geed gaaban iyo geed dheerba u fuulay, sidii ay xaqiiqada u sheegi lahaayeen xukuumadda, laakiin waxa muuqata in aanay xukuumadu hawshii laga filayey ku dhaqaaqin. Waxaana xisbi ahaan hadda noo qorshaysan in la sameeyo baarlamaan adag oo la xisaabtama xukuumadda sababta oo ah ooda dhacameed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa.

S: Waxa jira dad badan oo shaki ka qabana inay xukuumada ka gaabisay inay doorashada baarlamaanku dhacdo, markaa taa miyaad damaanad ka haysaan inay doorashadu dhacdo?
J: Anagu xisbi ahaan waxaanu rumaysanahay inay doorashadii dhacdo, maadaama madaxweynuhu qalinka ku duugay, waxa keliya ee la sugayaa waa in la mudeeyo waqtigii doorashada, waana waajibka ugu horeeya ee ina saaran, maadaama golihii wakiilada shaqadoodii gabeen, loona baahan yahay in la bedelo waxa kaloo imanaya xisbiyada mucaaridka oo talada wax ku yeelanaya.

S: Waxaad sheegtay in muddadii madaxweyne Daahir Rayaale xilka hayey in dhinacyada siyaasadeed, dhaqaale iyo dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland heshay hoos u dhaceen. Waxaynuna ognahay inay talaabo dublamaasiyadeed qaadeen oo soo mareen dalal badan, taasu miyaanay horumar ahayn?
J: Horta safar waa la galaa, meela waa loo baxaa. Laakiin waxaan muhiima inay midho dhalaan. Ma haysaan haddaad idin weydiiyo idinka midho ka soo baxay, safaradaa iyo socdaaladaa marka laga eego dhinaca kale warbixinihii u dambeeyey ee xuquuqda aadamaha ee laga qoray Somaliland waxaad moodaa inay mugdi ina gelisay oo ay inagu sii wado in ictiraafkeenii, haybadii iyo kalsoonidii aynu caalamka ka haysanay hoos u sii dhacayso.

S: Warbixinaha arrimahaa ka hadlaya waxay qaarkood sheegeen inay Somaliland xagga siyaasada horumar weyn ka samaysay, kuwaas miyaanay ahayn wax la taaban karo?
J: Dhamaan warbixinahaa caalamku inaga sheegayaa waa kuwii jirey laba sannadood ka hor intii aanu madaxweyne Rayaale xilka la wareegin, oo ahayd nabadgelyadii, dimuqraadiyadii, xorriyadii saxaafada. Laakiin intii madaxweyne Rayaale xilka la wareegay wax muuqda oo la taaban karo oo kusoo kordhay haba yaraatee ma jirto.

S: Arrimaha gobolka Sanaag oo aad ku soo aragteen ma u gudbiseen xukuumadda, sideese wax looga qaban karaa?
J: Waxa ugu muhiimsan ee gobolka Sanaag oo ah gobol dadkiisa Somaliland ku dheertahay oo doonaya in maamulka Somaliland magaceeda yimaado.
Waxaana loo baahan yahay in la geeyo ciidan bileys ah oo tababaran oo akhlaaq leh oo nabadgelyada suga iyo in gobolka laga soo jaro ku xidhnaashaha Boosaaso ku xidhan yahay oo loo soo wareejiyo gobolada kale ee Somaliland, hadday noqoto xagga gaadiidka ganacsiga iyo isgaadhsiinta, iyadoo khadka telefoonada magaalada ee Ceerigaabo ku xidhan yihiin Boosaaso, waxa iyana muhiim ah in maamulka lagu fidiyo oo la gaadhsiiyo degmooyinka

S: Maamulka waxaad leedihiin hala gaadhsiiyo gobolka ugu shisheeyey Somaliland oo mushkiladaha dhaqaale iyo duruufaha siyaasadeed iyo kuwo nabadgelyo ka jiraan caasimadii oo xaruntii maamulka ahna waad dhaliilaysaan, sidee markaa loo gaadhsiin karaa gobolkaa fog maamulka haddii ay waxaasi jireen?
J: Waxa aanu ummadda u sheegaynaa in maamulkii aanu ku koobnaan Hargeysa ee la fidiyo maamulka oo lala yimaado kartidii, haddii kale dalku sidan ku shaqayn maayo.
S: Meelaha aad abaarta ku aragteen maxaad ka war hehseen dadka iyo xoolaha ku dhintay?
J: Meelaha abaartu ugu darnayd, waxa ka mid ahayd Oodweyne, Ceel-Xume iyo Xaaxi, waxayna dadkaasi noo sheegeen haddaan si deg deg ah gurmad loola soo gaadhin inay dadka iyo duunyaduba khatar ku jiraan.Sidoo kale gobolka Togdheer abaar ba’an ayaa ka jirtay, waxayna ka cabanayeen in Galay keliya aanay ku filayn.

S: Waxa soo baxday in dhuumaha shidaalka ee midawgii Soofiyeeti uu soo sameeyey la burburinayo, iyadoo aan loo samayn mid bedelkeeda ah, xisbiga UCID sidee ayuu arrintaa uarkaa?
J: Anaga warbixinta naga soo gaadhay waxa weeye in la doonayo in la bedelo dhuuntaa, laakiin waxaanu soo jeedinaynaa in aan dhuumahaa la dumin, ilaa bedelkoodii la sameeyo, iyadoo hadda la hadal hayo in la samaynayo qaar cusub oo badda boosteeda mara.

S: Doorashada waqtigeedii dib ayaa loo dhigay, welina waqti dambe looma cayimin, muddadii baarlamaanka ku salaysnaa beeluhuna wuu dhamaanayaa, markaa miyaana halkaa ka soo baxayn fakaag oo iyadoo aanay weli iman mudanayaashii cusbaa ee lasoo doortey, doorashadiina aan la qaban dhamaanayn muddii kuwii hore?
J: Waa run waqtigii ayaa u dhaxeynaya oo marka xeerka madaxweynuhu qalinka ku duugo sida ay komishanku doonayeen inay hawsha ku fuliyaan iyo marka la eego waqtigii ay kaga dhamaanaysay baarlamaanka oo ah May 27, waxayna taladu u badan tahay in baarlamaanka hadda joogaa sii hayaan xilka oo muddadii laba saddexda bilood ah sii joogaayaan, isla markaana maadaama qaar ka mid ah mudanayaashu doonayaan inay isa soo sharaxaan in la fasaxo si ay ololihii uga qayb qaataan. Laakiin waxay ku jirtey go’aanka ay saddexda xisbi wada gaadheen in aan marna la isticmaalin qodobka 42-aad ee distuurka.

S: Dhawr bilood goboladii bariga lagama hawlgelin, diiwaan gleina lama samayn, waxa talaabo ahna lama qaadin doorashadiina dib ayuun bay u dhacaysaa ee maxaa la qabanayaa?
J: Waxan moodayey in arrintaa warbaahinta loogaga hadlay oo ay sannadkan 2005 ay doorashadu tahay ta ugu muhiimsan oo ah rabitaanka shacbiga baahida dalka, iyo rabitaanka caalamka in doorasho loo baahan yahay in la qabto. Sodaa awgeed qoddob kasta oo dabrayey waa laga saaray oo ay ka mid ahaayeen in diiwaan gelin la sameeyo ay in xuduudaha la soo taabto.

 

Top


SAAKA IYO ASLI INTERNET Cali Duul-Duul

Gabaygan wuxuu ka mid yahay qaybtii labaad ee tixdii la odhan jiray Beyj ma ku cadaatay, Taas oo ku soo baxday bogaga Asli iyo Maqaloocshe, tana waxay ka mid tahay qayb ka qabyowday Tixdan aan hoos ku soo xusay ee arkhris wanaagsan:
Bilaa shuruud Riyaalaha
Markii boowe lagu doortay
Ee loo banaanadiyey bay
Sii badbaadiyeene
Boorama waxay naga rabaan
Baaqi saayidahe
Sed bursiinyo inay doonayaan
Beyj ma ku cadaatay
Barxadiyo huteeladii markii
Boolisku u diiday
Barbaradii SNM ee ku
Shiray burarka hoostooda
Waa kuwii sidii baarqab
Awra biliga weynaaye
Inay bulunbul taladoodu Tahay
Beyj ma ku cadaatay
Mar hadaanad baasiin ku shuban
Amase baatroolka
Wixii ka soo baxa la dhigin
Baanka gudihiisa
Haamaha Berbera kama duwana
Baadi kaa lumaye
In faraska biic looga gaday
Beyj ma ku cadaatay
Buuq baa ka jira ceeriyo
Buuraha uu dhowe
Bilo iyo mudaba qaylada
Baxaysay xoog-weyne
Baabuur la dhaco iyo dil baa
Lagu bariistaaye
Maamulkeedu inuu baari yahay
Beyj ma ku cadaatay.
Bad-gariirkii waagii dhoweyd
Bari fog saameeyey
Burburkii ku dhacay iyo
Wixii babah laga yeelay
Mar labaad hadii lagu bedelay
Beladii qiiqaysay
Inay toobadii baal mareen
Beyj ma ku cadaatay.
Ciraaqdii baanbada lala dhacee
Lagu baduugayey
Ee beemkiyo lagu dardaray
Boobihii faalka
Barwaaqadii la gaadhsiinaaye
Boqolkuu loo laayey
Bukaan iyo inay cudur ahayd
Beyj ma ku cadaatay
Burmad dawladii lagu dhisiyo
Guriga biigatii
Ee beledkii Soomaali-weyn
Loo balshaminaayey
Baydhaba kolay tahay
Hadaanay bidhiq ka canaynin
Bakhti iyo inay dhicis ahayd
Beyj ma ku cadaatay.
Baarlamaankii qaylinayeye
Booca karinaayey
Budhka iyo tooray
Baal uu wada qaatay
Booxaligoodi ragii bilistu
Yaabyaabtay
Baabacadoodii socon weyday iyo
Balalow doodiiye biiro beydh
Inay wada noqdeen
Beyj ma ku cadaatay.

 

Top