Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 860 June 1, 2005

Kooxo Beeralay Ah Oo Tababar Uga Furmay Tuulada Beer Ee G/Togdheer

Tababar Ka Hortaga AIDS-Ka Ah Oo Ka Furmay Hargeysa

Maayarka Madheera Oo Ka Waramay Xaaladda Degmadaasi

Kooxaha Dhufayska Isugu Jira Ee Golaha Wakiilada, Kaambaynka
Xukuumadda Iyo Kalsoonida Gudoomiye Qaybe Ka Qabo Mawqifkiisa

“Wareegto Ayaan Ka Soo Saarayaa In
Cusbitaalada Laga Mamnuuco Cabista Sigaarka”
Wasiirka Caafimaadka – Xuska Munaasabada Sigaar Joojinta Aduunka

31-Ka May: 17 Sannadood Ka Hor Iyo Gulufkii Ay Xoogagii SNM Ku Soo Galeen Somaliland
Q: 2-aad

Gudida Cusbitaalka Hargeysa Oo La Kulmay Culmada

Roobab Duufaano Wata Oo Khasaare Weyn Gaadhsiiyey Degmada Caynaba

“Usaama Waanu Ka Baxsanaynay, Waayo Waxaanu Garanaynay
Inaanu Na Siidaynayn Haddii Uu Gacanta Nagu Dhigo”
Waraysi- Abu-Jandal – Q: 8aad

Xukuumadda Mbagathi Oo Dawladda Yeman Ka Codsatay
Inay Dhexd-Dhexaadiso Khilaafka Soo Dhex Galay Madaxdeeda Sare

Agaasimaha Xarunta Daryeelka Caruurta Ee Hargeysa Oo
Warbixin Siiyey Gudida Arrimaha Bulshada Ee Wakiilada

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ina Xaashow Wakhtigii Ummadda Hadalka
Lagu Jihayn Jiray Wey Fashilantay

Miyuu Diidi Baarlamaanku Waa Deeq Rabaaniyee


Kooxo Beeralay Ah Oo Tababar Uga Furmay Tuulada
Beer Ee G/Togdheer

Burco June 01, 2005 (Haatuf)- Tababar lagu Horumarinayo Beeraleyda Tuulada Beer ee Gobolka Todheer ayaa Sabtidii toddobaadkan Koox Beeraley ah uga furmay tuulada Beer oo ka tirsan degmada Burco.

Tababarkan oo Socon doona muddo toban maalmood ah waxa fulinaysa Hayadda Wadaniga ah ee SADO, Waxaana Maal-gelisay Hayadda Vet-AiD, waxaana tababarkaa ka soo Qayb galay dadka ka kala socda dadka beeraleyda ah ee degaanka tuulada Beer.

Furitaankii Tababarkaasna waxa ugu horayn ka hadlay Xuseen Aadan Cadde oo Ka Socday Hayadda SADO, wuxuuna Xuseen Aadan Cadde ka Sheekeeyey Wax Qabadka hayadodooa iyo mihimadda uu tababarkani leeyahay dadka beeraleyda ah ee degaankan, isaga oo intaa raaciyey inay ujeedada tababarada noocan ahi tahay sidii ay dadku uga faa’iidaysan lahaayeen khayraadka dalkooda, waxaanu dadkii ka soo qayb-galayaasha tababarka ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan biyaha dooxyada ka soo rogmada ee sida sahlan u dhaafa.

Waxa kale oo isna halkaa ka Hadlay Isu-duwaha Beeraha ee Gobolka Togdheer Maxamed Cabdi Maxamud {Guray}, wuxuuna kooxda tababarka ka soo qayb gashay ku booriyey inay ka faa’iidaystaan tababarkan iyo sidoo kale inay ka faa’iidaystaan biyaha roobka oo uu ku tilmaamay inay 99% cidlo maraan oo aanay ciddina ka faa’iidaysan.

Waxana Mr Guray Inta Ku Daray In Dadka Reer Beered ay Talaga Midhaha Ka
Isuduwaha beeraha gobolka Togdheer waxa uu halkaa ka sheegay inay dadka reer Togdheer wax soo saarka midhaha beeraha ka jecel yihiin cawska oo aan wax faa’iido ah lahayn, laakiin waxa uu intaa raaciyey inay ka faa’iidaystaan wax soo saarka midhaha beeraha, isaga oo sheegay inay wasaarad ahaana dhinacooda diyaar u yihiin inay beeraleyda la qabtaan wixii ay la qaban karaan.

Waxa kale oo isaguna halkaa hadal Kooban ka jeediyey Mustafe Anwar .X. Cawed oo ka socday Hayadda {Vet-AiD} Waxaanu ka soo qaybgalayaashii tababarka ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan duruusta ay tababarkan ku qaataan mudada uu socdo iyo inay sidoo kale ka faa’iidaystaan biyaha roobabka Gu’ga oo dedaal badan ku sameeyaan wax soo saarka midhaha beeraha.

Top


Tababar Ka Hortaga AIDS-Ka Ah Oo Ka Furmay Hargeysa

Hargeysa June 01, 2005 (Haatuf) Tababar ku saabsan sidii la isu waafajin lahaa baadhitaanka cudurka HIV/AIDS-ka iyo siyaasada Somaliland ee HIV/AIDS-ka, loona qabtay xirfadlayaasha sheybaadhada cusbitaalada iyo rugaha caafimaadka ee Hargeysa oo ay tiradoodu dhamayd 30 qof ayaa shalay ka furmay Hargeysa.

Tababarkan oo halmaalin socday waxa soo qabanqaabisay hay’adda ICD waxaana munaasabadii furitaanka hadalo ka soo jeediyey agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Axmed cabdi Jaamac, waxaanu agaasimuhu kula dardaarmay ka qaybgalayaasha sidii ay uga faa’iidaysanlahaayeen aqoon-isweydaarsigan, waxyaabaha ay ku barteena waxa ka mid ahaa sidii loo xoojin lahaa tayada baadhitaanka, looguna dhiiri gelin lahaa dadweynuhu inay isbaadhaan, si qof waliba isu ogaado inta aan xanuunku ku sii balaadhan ,dadkana aanu u sii gudbin.

Top


Maayarka Madheera Oo Ka Waramay Xaaladda Degmadaasi

Hargeysa June 01, 2005 (Haatuf) Maayarka degmada Madheera Naasir Cabdi Cige ayaa sheegay in degmadaasi ay haatan ka socdaan hawlo wax lagaga qabanayo adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo dakhli ururinta.

Waxaanu sidaa maayarku ku sheegay waraysi kooban oo aanu la yeelanay mar uu xalay nagu soo booqday xarunta haatuf, isaga oo intaa ku daray inay guud ahaan xaaladda degmadu aad u fiicantahay, balse uu culays ka haysto dhinaca adeegyada gaar ahaana waxbarashada iyo caafimaadka oo aan u shaqaynin sidii loogu talo galay, waxaanu ka codsaday wasaarada waxbarashada inay ka kaalmayso hore u marinta waxbarashada ayna ku darsato degmadaasi qorshaheeda horumarineed.

Top


Kooxaha Dhufayska Isugu Jira Ee Golaha Wakiilada, Kaambaynka
Xukuumadda Iyo Kalsoonida Gudoomiye Qaybe Ka Qabo Mawqifkiisa

Hargeysa, Jun, 1, 2005-()- dhaq dhaqaaqii sida weyn u cabsi geliyay xukuumada madaxweyne Rayaale ee ku saabsanaa soo jeedinta ay mudanayaal tiradoodu gaadhay dhawr iyo Afartan oo maalmihii lasoo dhaafay gudoomiyaha golaha wakiilada u gudbiyay Mooshin ay ku dalbanayaan in dib loo furo golaha ayaa ilaa hada laga war hayn halka uu biyo dhigay.
Inkasta oo dalabka mooshinkaasi si weyn u gil gilay xukuumada madaxweyne Rayaale oo ka cabsi qabtay in hadii golaha la furo lasoo dhigi doono mooshin hore loo hadal hayay oo nuxurkiisu ahaa maamuus ka xayuubin madaxweyne, kaas sida la sheegay tiro ka badan Afartan xubnood diyaar ula ahaayeen inay soo hor dhigaan golaha.

Laakiin mooshinka ay xubnahaasi ku dalbadeen in la furo golaha ee ay u gudbiyeen gudoomiyaha golaha Axmed Maxamed Aadan Qaybe ayaa keentay inay shirgudoonku ku kala qaybsamaan, isla markaana waxay daaha ka rogtay khilaaf aan hore usoo shaac bixin oo u dhexeeya Madaxweyne Rayaale iyo gudoomiyaha Golaha, iyadoo wixii maalintaa ka danbeeyay ay xukuumadu culays saartay dhismaha golaha wakiilada iyo dhaq dhaqaaqa gudoomiyaha golaha wakiilada Mudane Qaybe oo isagu sheegay inuu ka fiirsanayo sida uu ka yeelayo dalabka mudanayaasha ee furitaanka golaha.

Hase yeeshee culayska ay xukuumadu saartay golaha iyo dhaq dhaqaaqa gudoomiyaha, waxa dhinac socday Odayaal, madax dhaqameed iyo ganacsato u kala Ergaynayay Madaxweyne Rayaale iyo gudoomiyaha Qaybe, kuwaas oo xarakaadkooda aad loo dareemayay. Laakiin warar dhinacydaa u dhuun daloola ayaa sheegay in aan lagu guulaysan isu soo dhoweynta labada dhinac, isla markaana qaar ka mida kuwa ugu dhaw dhaw ayaa sheegay inuu gudoomiyaha golaha Qaybe mawqif adag arintaa iska taagay oo muujiyay kalsooni uu ku qabo inuu ku adkaysto mawqifkiisa.

Waxa iyana uu Qaybe waraysi uu shalay doraad siiyay idaacada BBc- da ku sheegay mar arinta mooshinka wax laga weydiiyay inay dhinaca madaxweynahana aanay ku fududayn maamuus ka xayuubin madaxweyne, mudanayaasha keenayna aanay ku fududayn, balse ay aruintu isaga gudoomiye ahaan hor taal oo uu ka fiirsanayo.

Gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo horaantii todobaadkan xidhitaankii golaha Guurtida ka sheegay in loo baahan yahay in xal loo helo khilaafka distooriga ah, taas oo uu sheegay in aanay qaranka u dan ahayn, isla markaana loo baahan yahay sidii labada dhinac laysugu keeni lahaa.

Laakiin waxa khilaafka labada dhinac cirka ku laalay markii ay suuqa soo gashay maalmintii doraad in gaadhigii gudoomiyaha lala baxsaday oo lagu soo qabatay Tuulada Qori Lugud oo qiyaastii dhinaca Burco kasoo xigta 30KMT Degmada Buuhoodle.
Laakiin sheekada gaadhiga oo gudoomiyuhu sheegay inuu isagu u diray Buuhoodle, si uu qof xanuunsanaya uga soo qaado, waxa lagu sii daayay amar Madaxweyne, isla markaana Qaybe waxa uu sheegay in arintaa looga faa’idaystay muranka siyaasadeed, balse hada laga qaaday culayskii ay saartay xukuumadu dhaq dhaqaaqiisa.

Wararka u dhuun daloola arimahaa ayaa tibaaaxay inay xukuumadu markii ay debecsanaan ka weyday dhinaca gudoomiyaha bilawday todobaadkii u danbeeyay sidii ay u kala jebin lahayd mudanayaasha, iyadoo kulamo iyo casuumado marba koox u samaynaysay, waxaana maalintii doraad qado casuumad ah ay xukuumadu ugu samaysay Huteelka Baar xaraf koox mudanayaal ah oo lagu qiyaasay sodoneeyo, kuwaas oo markii danbe la fadhiisiyay guriga uu degnaan jiray Madaxweyne Rayaale ee dhinaca Bari uga sii jeeda xarunta dhismaha Baarlamaanka.

Waxayna kooxdaasi sheegeen inay u kala baxayaan gobolada dalka si ay u bilaabaan kaanbeynka doorashada Baarlamaanka, iyagoo ku dooday in goluhu galay fasax.
Laakiin kooxaha kale ee ku adkaysanaya mawqifkooda ay hore u qaateen ayaa iyaguna dhinocooda dhufayska kaga jira fadhiisimo ay samaysteen oo ay ku kulmaan marka ay xukuumada iyo iyaga xiisadi u dhxayso, waxayna koox walba ku dooday inay iyagu yihiin aqlabiyadii oo ay yihiin dhawr iyo afartan. Laakiin weli lama garanayo sida ay u kala badan yihiin iyo kooxda laga itaal roonaaday, isla markaana waxa aan laga war hayn xiliga la furi doono golihii, in aan la furayn iyo sida uu yeelayo gudoomiye Qaybe oo uu weli hor yaal mooshinkii ay mudanayaashu kaga dalbanayeen in dib loo furo, waxaynuse maalamaha soo socda ogaanaynaa kooxda dhufayska laga saaro iyo halka ay sheekadu isugu biyo shubato.

Top


“Wareegto Ayaan Ka Soo Saarayaa In
Cusbitaalada Laga Mamnuuco Cabista Sigaarka”
Wasiirka Caafimaadka – Xuska Munaasabada Sigaar
Joojinta Aduunka

Hargeysa, June 1, 2005 (Haatuf) – Wasiirka Caafimaadka iyo Shaqada Somaliland, Cismaan Qaasim Qodax, ayaa sheegay inuu wareegto mamnuucaysa ka soo saaray in sigaarka lagu cabo dhammaan Cusbitaalada Somaliland, si looga hortago waxyeelada caafimaad ee uu sigaarku ama buurigu si gaar ugu geysan karo dadka bukaanka ah. Waxaanu wasiirku sidaas ku sheegay Shir-jaraa’id uu shalay ku qabtay xafiiska oo ku aadanaa munaasibadda Maalinta loo cayimay Buuriga ama Sigaar joojinta adduunka ee 31-ka May oo ku beegnay shalay, isagoo wasiirku intaas ku daray xukuumaddu ay qaadayso tallaabooyin lagaga hortegayo waxyeelada sigaarka u geysto caafimaadka, taas oo ka dhalata cabista sigaarka ee bulshada, iyadoo wasiirku xusay in aan si buuxda loogu dhaqmi sharcigii xukuumaddu ka soo saartay mamnuucista in sigaarka lagu cabo xafiisyada dawladda.

Laakiin Mudane Cismaan Qaasim Qodax waxa ugu horeyn shirkiisa jaraa’id kaga hadlay qiimaha ay leedahay maalinta 31-ka May ee loo asteeyay Tubaako joojinta adduunka iyo gaar ahaan maalintaasi qiimaha ay u leedahay dadka reer Somaliland oo ah maalintii ay xoogagii SNM soo galeen gudaha dalka sannadkii 1988-kii.

“Maanta oo ah 31-ka May 2005 waa maalin aad iyo aad ugu qiimo weyn wadankan aynu joogno iyo caalamka labadabal. Haddaynu dib u xusuusano 31 May 1988-kii oo Salaasa ahayd iyo Hargeysa, aad iyo aad bay qiimo iyo qaayo ugu leedahay taariikhda Somaliland oo la xusuusan karo, waqtigaas wixii wadanka ka jiray iyo mujaahidiintii SNM ee wadanka soo gashay, wixii ay ka qabteen ee ay kaga hortageen cadaadiskii iyo cabudhiskii dhiigya-cabkii taliskii Maxamed Siyaad Barre ee ka jiray dalkeena. Maalin saddexaad waxay ahayd 27-kii May, maalintii Burco la soo galay bay ahayd, iyaduna maalin aad u weyn ayay ahayd, inkastoo ay aniga igu xumayd oo maalintii carruurta iyo gabadhu ay iga dhinteen ee madfacii faqashtu ku dhufatay, haddana xagii mujtamacu u badnaa iyo sidii loogu farxay baa aniga laftaydu u raacayaa,” ayuu yidhi Mudane Cismaan Qaasim, waxaanu intaas raaciyay “Munaasibaddan maantu waxa kale oo ay farxad ku leedahay waa maalintii Tubaakada adduunka.”

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, waxa uu ka waramay bulshada Somaliland ay war la’aayeen dhibaatada buurigu leeyahay ka hor intii aanay soo saarin xukuumaddu dabayaaqadii sannadkii hore wareegto mamnuucaysay in xafiisyada dawladda lagu cabo sigaarka, waxaanu yidhi: “Intii aanu ka sii daynay ama aanu ka sheegnay waqtigii la joojiyay ee golaha wasiirada laga baas-gareeyay in aan xafiisyada dawladda lagu cabin sigaarka, waxay ahayd 7/10/2005, waxaanay ahayd waqti muddo badan ama ay ugu horeysay inay dadkeenu ku ambabaraan ama ka hadlaan mushkilada iyo dhibaatada uu leeyahay buurigu, waxaad moodaa in dadkeenu ay arkaan oo ay cabaan, laakiin cid wax uga sheegta, cid kala hadasha iyo cid kala talisa midna aanu jirin.”

Wasiirku wuxu isagoo ka hadlaya dhibaatada sigaarku keeno, waxa uu yidhi: “Tubaakadu waxa weeyaan cudur dilaaya, caalamkii oo dhan baa ka soo horjeestay, waxaana taas kuu daliil ah, wershadaha sigaarka samaynayay ayaa waxay gaadhsiiyeen in sigaarka ay guudka kaga soo qoraan ‘waa cudur dilaaya oo laga qaado kansarka iyo xanuuno badan oo kale, iska jira,’ taxdiir (digniin) baa guudka lagaga qoray. Badeecadiisa qof dacaayadeeya lama arag, laakiin khasab ayay noqotay markii Culimada ama Dhakhaatiirta adduunku ay cadeeyeen in sigaarka laga qaado cudurradan, iyagana lagu ijbaaray inay bixiyaan wax alla iyo wixii tacwiid (Mag-dhow) ah ee uu wax u geysto, markaa waxa weeyaan qofkii is dilayow is dil, qofkii is daynayowna is daa.”

Cismaan Qaasim Qodax, Wasiirka Caafimaadku waxa uu wax ka taabtay waxyaabaha la taaban karo ee laga gaadhay tan intii wareegtada laga soo saaray sannadkii hore, waxaanu yidhi: “Waxa lagu soo qori jiray baakidhada sigaarka la inoo keeno, iyadoo caalamka mamnuuc ka yahay xayeysiintiisu, ayaa inaga waxa la inoogu soo ridi jiray isagoo la soo af-soomaaliyeeyay oo la leeyahay ‘Tayo sare, dhadhan macaan’, markaa ilmaha yar ee carruurta ah ee sidan u eega halkii loogu soo qori lahaa ka carar ee uu ka carari lahaa, ayaa loogu soo qoray dhadhan macaan, tayo sare, dee inuu dhadhamiyo ayay noqonaysaa. Markaa waxyabaaha inoo qabsoomay ee markaynu ka hadalnay ee aynu ku nidhi waanu ashkataynaynaa shirkadaha waxa la soo sameeyay, wakaa imika aad ka markhaatiga tihiin ee ka dabar go’ay baakidhkii sigaarka lagu soo ridi jiray, ayaa ka mid ah, iyada lafteeduna waa tallaabo. Xafiisyadii dawladda inkastoon dhammaantood sida ay tahay aan looga joojin oo loogu cabo oo ay ka mid tahay wasaaradayadu meelaha lagu cabo, laakiin aan xafiiskayga lagu cabin. DG-gaygii ayaan maanta ashkataynayaa, waa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada, waana wasaaradii soo saartay go’aankan, inay iyadu fulisana ay ahayd. Wallaahi saaxiibkay in badan baan ku idhi saxaafadaan kuu sheegi, haduu joojin waayay maanta waan sheegayaa, isagu xafiiskiisa wuu ku cabbaa. Waxa kale oo aan sheegayaa in lagu cabo xafiisyo kale oo badan oo dawladeed, laakiin muddo ayay qaadataa in wixii amar ah ama qawaaniin ah ee soo baxaa ay socdaan, haddii xafiikaygii oo xafiiskii wasiirka wasaarada Caafimaadka ahaa laga joojiyay, iyada lafteedu waa tallaabo, agaasimahayguna (DG) wuu ku xigi doonaa.”

Wasiirku waxa kale oo uu intaas raaciyay inuu Xafiisyada kale ee dawladda iyo madaxdoodaba uu ka rajaynayo inay sigaar cabista ka joojiyaan xafiisyada dawladda dhammaantood. “Waxaynu nidhaa shicibkeenu way dhego-adagyihiin, haddaynaan inagu fullin sharcigii soo baxa oo inaga la inaga arag, waxa la yidhi “Shacbigu waxay raacaan waxa masuuliyiintoodu yeelaan’, imika waxaan arkaa in badan iyadoo dadka shicibka ah ee soo gala xafiisyadu leeyihiin sowtan xafiiskii sigaarka lagu cabayo. Calaamad san aanu u noqono ummadda wixii aynu uga digayno iyo shuruucda aynu u soo saarno,” ayuu Wasiirku hadalkiisii ku soo geba-gabeeyay.

Intaas kadib ayay weriyayaashu su’aalo dhowr ah weydiiyeen wasiirka, waxaanay su’aalihii iyo jawaabihii uu ka bixiyay u dhaceen sidan:

S: Waxa jira gaadiid farabadan oo sigaarkii six un loogu xayeysiinayo iyo boodhadh aad iyagana loogu xayeysiinayo, arrintaas qorshihiina miyey ku jirtaa wax ka qabadkeedu?
J: Qorshaha way ku jirtaa, waanay ku jiri doontaa. Waxa la yidhi “Roma maalin laguma dhisin” waxa weeyaan maanta tallaabadii 1aad baanu qaadnay ka wasaarad caafimaad ahaan, wixii aanu imika qaban karaynay horta hadal bay ahayd, sharcigana marka hore waa la sheegaa, marka sharciga la sheego ee dadka la gaadhsiiyo, waqti baa loo qabtaa la yidhaahdo waqtigaas laga bilaabo, waqtigaa marka laga bilaabo ayuu fulayaa oo la yidhaahdaa cidii lagu arko waxaa waa in sharciga la mariyaa oo la geeyaa goobihii sharciga lagu qaadayay. Waxaan rajaynayaa inaanu waqtiga dhow soo saaro oo aanu nidhaa waqtigaa laga bilaabo meeshii lagu arko xayeysiis sigaar in tallaabadaa sharciga la geyn doono.

S: Ma jirtaa siyaasad cad xukuumad ahaan ka leedihiin sigaarka, tusaale ahaan waxa jirta in caalamka la qaali gareeyay cashuurtiisa, si dadku isaga daayo, inagana waxa laga yaabaa in cashuur la’aan lagu sii daayo?
J: Waa run oo waxyaabaha lagula dagaalamo sigaarka joojintiisa, waxa ka mid ah qiimihiisa oo la qaali gareeyo. Ingiriiska ayaa lagu sameeyaa sigaarka benson-ka iyo intooda badan sigaarka, baakidhka sigaarka ah Ingiriiska waxa laga siiyaa shan gini, shan ginina waa sagaal doollar, waxay ku dhowdhowdahay qiimaha Istiigga sigaarka ah ee xageena la siiyo. Markaa waxa weeyaan tii aan ka hadlayay ee boodhadhka iyo xayeysiiska ku xidhnayde, dee waynu bilownay, tallaabooyinka xiga ee lagu tallaabsan doono ayay ka mid tahay.

S: Waxaad go’aan ka soo saarteen inaan xafiisyada dawladaha lagu cabin sigaarka, xarumaha caafimaadka oo kale sida dhakhtarka weyn iyo xarumaha kale, maadaama uu caafimaadka u darran yahay, meelahaas oo kale in sharci adag laga soo rogo miyaanay ahayn?
J: Way tahay. Cusbitaalada dad bukaan ah baa fadhiya, caafimaadkiina wax bay yeelaan idinkaana xukuma, welibana waa inay noo sii raacdaa maxaad kaas sharci adag uga samayn weydeen. Qofka bukaanka ah iyo qofka soo siyaaranayaba waa qofka laga adag yahay oo waxaad odhan karaysaa waar hanagala soo gelin sigaarka cusbitaalka. Su’aashaas aad baan u jeclaystay, maantaanan ka samaynayaa wareegto Cusbitaalada dalka oo dhan ka mamnuucda cabbista sigaarka.

Top


31-Ka May: 17 Sannadood Ka Hor Iyo Gulufkii Ay Xoogagii SNM
Ku Soo Galeen Somaliland
Q: 2-aad

Sidoo kale waxaanu isna marxaladaa iyo sidii ay u saamaysay ururka SNM iyo sababta ay u qaateen mawqifka xarajka ah kala sheekaysanay sanadkii hore, xuskii munaasabadan 27-ka May, Muj: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaa ahaa Gudoomiyihii ururka SNM,ahaana Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee soo mara hogaaminta SNM, isaga oo xilka Gudoomiyaha ururka SNM hayey muddo 6 sannadood ah.

“Waxyaalihii ay dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre ku heshiiyeen waxa ka mid ahaa inay ciimada SNM dib uga kacaan jiidaha hore ee dagaalka oo ay dib ugu guuraan gudaha Itoobiya, taasna waxay SNM u aragtay inuu dhabar-jab ku yahay halgankii ururka SNM”ayuu yidhi Maxamed Kaahin, wuxuuna intaa ku daray “ waqtigaa ururka SNM labo mid ayey isu soo taagtay inuu halgankii ururka SNM halkaa ku baaba’o iyo inuu go’aan adag qaato oo uu halgankii sii socdo, sidaa darteed hogaankkii ururka sida: Gudoomiyihii, guddigii fulinta ,golihiii dhexe, talisyadii ciidamada , waxgaradkii iyo waayeelkii ururku wada tashi ballaadhan ka dib waxa la go’aansaday in hawlagal ballaadhan oo milateri lagu galo gudaha”.

Muj. Maxamed Kaahim isaga oo ka waramaya xaaladii Ciidan ee ururka SNM iyo sidii wax loo qorsheeyey iyo sidii ay ahayd isu dhiganka cududda labadii Ciidan ee SNM iyo ciimadii Siyaad Barre ee ay is-waajahayeen, waxa uu yidhi “ Ciidankii SNM labo qaybood baa loo qaybiyey oo kala ahaa aagga galbeed iyo aagga bari oo la kala odhan jiray MAKA iyo MADIINA, iyadoo ay ciimadii SNM ee weeraray aagga Cadaadley oo uu hogaaminayey Muj: Xuseen dheere ay ciidamo laga soo dheegay labada qaybood, intaa waxa dheeraa taliskii ciidamada SNM, ciidankii Burco galay ee SNM-na waxay tiradiisu ahayd ilaa 1200 oo nin iyo midhadh ,waxayna wateen labo qori oo jiibab ah, labo qori oo suugag ah, 6 qori oo siikow ah ,islamarkaana ciidanka umaanu hayn wax taakulo ah oo xataa baabuurtii ay wateen qaar baa shidaalku ka go’ay markii ay magaalada soo galeen, halka uu ciidankii gaaska 3aad eeSiyaad Barre ee Burco fadhiyey ay ka koobnaayeen 4guuto oo ciidanka dhulka ah, guuto taangiyo ah, laba guuto oo madaafiicda goobta ah, urur PM. Ah , laakiin anaga waxa PM iyo tangiyo u ahaa tayo iyo moral, waxaanuna hawlgalkaa ku gaadhay guul weyn oo milateri iyo mid Siyaasadeed-ba waayo khasaare kasta oo na gaadhay waxa ka weynaa khasaarihii gaadhay ciimadii taliskii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre”.

Muj. Maxamed Kaahin, isaga oo tilmaamaya sidii ay xaaladda ururka SNM u ekayd maalmihii la qaadanayey go’aanka is-miidaaminta ah waxa uu yidhi “Runtii xaalad adag iyo go’aan adag ayey ahayd, laakiin waqtigaa ururka SNM wuu u bislaa inuu qato go’aamo ad-adag siyaasiyan iyo milateri ahaan-ba, waayo waxaanu soo maray marxalado ad-adag oo hore”.
Axmed Maxamed (Siilaanyo) waxa aanu isna ugu horayn waydiinay waraysi aanu la yeelanay sanadkii hore, munaasibadan 27-ka May, sababta ku keliftay go’aanka is-miidaaminta ah wuxuuna ku jawaabay “Markii ay heshiiska gaadheen dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre waxaanu u aragnay inuu halgankii oo waqtigaa meel fiican marayey sidaa ku baaba’ayo haddii aanaan go’aan adag qaadan, dabadeedna waxaanu go’aansanay in sidaa la yeelo’.

Axmed-siilaanyo mar la waydiiyey sidii uu ururka SNM u saameeyey go’aankii ay isla gaadheen talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre iyo sidii ay markii dambe urur ahaan u go’aan qaateen waxa uu ku jawaabay “Runtii markii hore waxa uu heshiiskaasi nagu keenay niyad-jab weyn, waxaase lagama maarmaan noqotay inaanu go’aan adag qaadano, ka dibna waxa uu markii hore hagaankii sare ee ururku ku tashaday magaalada Dirir-dhabe, markii dambena waxaanu isugu nimi magaalada Dhoobo-guduud, halkaas oo aanu ku tashanay, kuna samaynay guddigii dagaalka, wuxuuna hawlgalkii u horeeyay 27may ka bilaabmay magaalada Burco ,maalintaana si aan niyadda ugu dhiso dadkii halganka ku jiray waxaan ka hadlay BBC-da oo waxaan idhi dawladuhu hadi ay doonaan ha heshiyeen, laakiin anagu waanu wadaynaa halgankayaga ilaa inta ay jiraan wixii aanu ka dagaalamaynay”.

Axmed-Siilaanyo, isaga oo tilmaamaya natiijadii ka soo baxday Go’aankii xarajka ahaa ee ay qaateen waxa uu yidhi “ Waxaan odhan karaa maalintaasi waxay ahayd maalintii uu nidaamkii keli taliska ahaa ee Siyaad Barre dhabarka ka jabay, SNM-na waxay hawlgalkaa ka gaadhay guul-weyn, waxayna ka heshay taqo iyo awood ballaadhan”.

Marka laga hadlayo go’aankii ururka SNM ee gudogalkii dabayaaqadii bishii may 1988 waxa mararka qaarkood la sheegaa in ay arintaa isku khilaaafeen hogaankii milateri iyo hogaankii Siyaasadda ee SNM , taas oo la yidhaahdo hogaankii siyaasaddu kama raali ahayn in sidaa la yeelo, laakiin Maxamed Kaahin oo aanu arintaa waydiinay wax uu ku jawaabay “ Dabcan markii laga doodayey qaabka loo fulinayo hawl-galka waa lagu kala aragti duwanaa qaabka loo dhigayo,laakiin go’aankii kama dambaysta ahaa waxa uu ahaa go’aan wadajir ah oo ay u dhan yihiin hogaankii siyaasiga ahaa iyo hogaankii Ciidan-ba oo ilaa gudoomiyhii ururka waxa la isugu yimi jiidda hore ee dagaalka ,magaalada Dhoobo-guduud, la iskumana khilaafsanayn go’aankaa”.

Axmed-Siilanyo oo isna la waydiiyey arintaa waxa uu ku jawaabay “Waxa jirtay farsamo Siyaasadeed oo aad u heer saraysay oo aanu talada ku darsanay, taas oo ahayd inaanu nidhaahno hogaankayagu ma ogayn arintaa ee ciimadaa sameeyey, taas ayaa mararka qaarkood loo turjumaa in la isku khilaafsanaa hawlgalka, taasina may jirin ee hogaanka ururku arinta wuu isku raacsanaa, aniga oo gudoomiyhii ururka ahaana waxaan imi labada aag-ba waana saxeexay go’aanka dagaalka, waxaana la isku raacsanaa oo la lahaa ma jiro jaanis kale oo inoo furani”.

Waxa isaguna arrintan si mug leh uga waramay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa guddidii dagaalkaa loo xilsaaray.

Go’aankan oo la odhan karo wuxuu ahaa kii ugu adkaa ee soo mara halgankii uu hogaaminayey ururkii SNM ee ay kula jireen taliskii Muqdisho waxay geesiyaashii SNM ku jiidheen cudud milatari oo markaas ahayd mid ka mid ah kuwa ugu xooga weyn qaaradda Afrika, waxaanay baabiiyeen cududii Milatari ee dalkii Soomaaliya oo mar ahayd mid looga baqo sida libaaxa.

Haddaba dhacdadan iyo guud ahaan halgankii SNM maaha mid ereyo lagu soo koobi karo ama waraaqo lagu dhamayn karo, balse waxa lama huraan ah, in xogta arrintaas laga qaato ciddii xog-ogaal u ahayd ama goob joog ka ahayd sidi ay ku timid iyo sidii ay u fushayba, waxaana shakhsiyaadkaa ka mid ah Mujaahid Maxamed Kaahin oo nooga waramay dhinacyo badan oo khuseeya dhacdadan. Iyada oo aanay noo suurto gelin inaanu shakhsiyaad kale oo muhiim ah ka waraysano.

Mujaahid Maxamed Kaahin isaga oo ka waramaya dhacdadan sidii ay ku timid wuxuu yidhi “arrintani waxay ka dambaysay markii ay heshiisyo lama filaan ah isla gaadheen taliskii Siyaad Barre iyo dawladdii Itoobiya, oo hore col daahii go’ay u ahaa, kaasoo ka dhashay shir ay iskugu yimaadeen magaalada Djibouti 1987-kii labadii madaxweyne ee Siyaad Barre iyo Mingestu kaas oo uu qaban qaabiyey ururka IGAD, mar labaadna shir kale ayaa lagu qabtay Djibouti bishii April 1988-kii, kaas oo uu ka soo baxay heshiis ay isla gaadheen labadii dhinac, kaas oo ay qodobadiisa ka mid ahayd in labada dal xuduudahooda aqoonsadaan, in ciidamada xuduuda laga raro, ilaa 15 mayl-na laga fogeeyo, iyo in aanu dalna caawinin mucaaradka ka soo horjeeda ka kale, taasaa markaa keentay in ciidamadii SNM inay ka guuraan goobihii ay deganayeen, taas oo sababtay in hogaankii siyaasadeed iyo kii milatari ee SNM inay hor timaado laba daran mid dooro, oo ahayd inuu halganku baaba’o, iyo in go’aan kale la gaadho, waxaanay taasi ku soo beegantay iyada oo aanay SNM haysanin taageeradii ay heli jirtay, iyo iyada oo uu hawlgabay ururkii SSDF ee ka horeeyey SNM. isla markaana uu socday qorshihii lagu xasuuqayey dadka reer Somaliland, taasi waxay keentay in la qaato go’aan ah in 27-ka May ay ciidamada SNM galaan magaalada Burco, halka 31-kii May -na laga galay magaalada Hargeysa”.

Mujaahidku isaga oo si gaar ah uga waramaya hawlgalka Burco waxa uu yidhi “Waxa hogaaminayey Mujaahid Axmed Mire, Waxa taliye ku xigeen ama abaanduule u ahaa Mujaahid Aadan Saleebaan (Alla ha u naxariistee), waxa sarkaalka hawlgalinta u ahaa Xuseen Maxamed Kharash yare, markaa ciidanka Burco galay wuxuu ahaa ciidanka la yidhaahdo 12aad ama C/Qaadir Koosaar (Alla ha u naxariistee). Oo ahaa Aag balse waxay u sii kala baxayeen qaybo kala duwan, salaad hore ayaanay ku waaberiisteen magaalada Burco, iyaga oo halkaa khasaare laxaadleh ugu geystay ciidamadii taliskii Siyaad Barre”.

Sidoo kale marka laga reebo ciidanka galay gudaha magaalada Burco waxa jiray ciidamo kale SNM ah oo jid-gooyo ka galay goobaha ku meersan Burco sida wadada weyn ee tagta Muqdisho, Oodweyne, iyo goobo kale oo muhiim ah oo ay dhabar-jebini kaga iman karaysay ciidanka jiida hore dagaalka.

Afar cisho ka dib ayey ciidamada SNM xoog ku soo galeen magaalada Hargeysa waxa kale oo dagaal kuwaa la mid ahi ka dhacay jiida cadaadlay iyo Berbera.
Haddaba la soco qaybo kale oo ku saabsan dagaalkaa ku saabsan dhacdooyinkan mucjisada ku reebay taliskii Siyaad Barre, guud ahaan Soomaalida iyo geedi socodka taariikhda dunidaba.

F. G: waraysiyadan waxaanu qaadnay sanadkii hore.

Top


Gudida Cusbitaalka Hargeysa Oo La Kulmay Culmada

Hargeysa, June 01, 2005 (Haatuf) – Guddida gobolka ee Cusbitaalka Hargeysa ayaa shalay kulan ballaadhan la yeeshay culimaa’udiinka Hargeysa.

Kulankaasi oo ka dhacay xarunta guddigaasi ee Cusbitaalka guud ee Hargeysa, waxa ay ujeedadiisu ahayd inay culimadu indhahood ku arkaan wax qabadka gudida iyo hawlaha ay ka hayaan cusbitaalka, isla markaana ay culimadu ka qaataan doorka kaga aaddan taakulaynta cusbitaalka. Ka hor furitaankii kulankaasi waxa ay guddigu culimada ku soo wareejiyeen qaybaha kala duwan ee cusbitaalka, iyaga oo soo indha-indheeyey hawlaha ay guddigu ka hayaan cusbitaalka.

Ka dibna waxa bilaabmay kulanka dhexmaray culimada iyo guddida caafimaadka, ugu horeyna waxa hadal ka qaatay agaasimaha cusbitaalka Yaasiin Carab oo ku soo dhoweeyey gudoomiyaha guddigaasi Maxamed Xuseen Caabi oo ka waramay ujeedaa kulankaasi oo uu sheegay inay culimadu doorkooda ka qaataan hawlaha adeega cusbitaalka oo sida uu sheegay wax badan laga qabtay, balse ay wax badani hadhsan yihiin “Culimadu waxa ay dhaqankeenii hore gacanta ku hayn jireen saddex arimood oo ugu muhiimsan bulshada oo kala ah: caafimaadka ama dihiga iyo diinta, balse maaha inay ka hadhaan xiliga magaalooyinka la soo galay” ayuu yidhi gudoomiyuhu waxaanu kula dardaarmay culimada inay u diyaar garoobaan gudashada xilka kaga aaddan bulshadooda, gaar ahaana cusbitaalka.

Ka dib waxa isna halkaa ka hadlay C/laahi Askar oo xubin ka ah golaha guddida caafimaadka, waxaanu ka waramay doorka culimada ee arintaasi iyo sida loogu baahan yahay inay ka soo baxaan.

Kulankan oo qayb ka ah kulamo isdaba joog ah oo ay culimadu la yeelanayaan qaybaha bulshada maalmaha soo socda waxa u socday ilaa xiliqadihii, iyadoo halkaa culimada loogu sameeyey qada sharaf, waxaanu ku soo beegmay iyadoo shalay la faray masaajid loo dhisay cusbitaalka, kaas oo ay culimadu fureen salaadii Duhur. Xubno ka mid ah culimada oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada hawlaha loogu adeegayo cusbitaalka iyaga oo amaan iyo ducaba u soo jeediyey gudida cusbitaalka oo qabtay hawlo wax ku ool ah oo lagu diirsan karo.

Top


Roobab Duufaano Wata Oo Khasaare Weyn Gaadhsiiyey Degmada Caynaba

Caynaba, June 01, 2005 (Haatuf)- “Waa markii saddexaad ee ay roobabku waxyeelo soo gaadhsiiyaan degaankan, waxaanuna dawladda, hayadaha samafalka iyo ganacsatadaba ugu baaqaynaa inay gurmad degdeg ah u fidiyaan dadka jilicsan ee ay waxyeelada u geysteen roobabka duufaanada leh ee degaankan ku habsaday habeen hore, waxaana dhaawac halis ahi soo gaadhay ilaa laba qof, waxaana meelaha dumay ka mid ah cusbataalkii degmada oo uu khasaare weyni soo gaadhay”, sidaa waxa yidhi maayarka magaalada Caynaba Mr. Barre oo qaylo-dhaan ka samaynaya roobab duufaanno wata oo habeen hore ka da’ay degaanka Caynaba, khasaarena gaadhsiiyey meelo kala duwan oo degmadiisa ka tirsan, iyadoo ay roobabkaa duufaannada lihi khasaare gaadhsiiyeen meelo badan oo miyi iyo magaaloba leh, waxayna roobabkaasi da’een habeenimadii ay Salaasadu soo gelaysay ee 31/5/2005.

Sida ay wararku xaqiijiyeen roobabka duufaanada wataa waxay si weyn u jiidheen degaamo ku dhereran gobolada Sanaag, Sool iyo Togdheer, waxayna roobabka duufaanada lihi khasaare kala duwan gaadhsiiyeen meelo ka mid ah degmooyinka Caynaba (gobolka Sool), Gar-adag (Sanaag) iyo Buuhoodle (Togdheer), iyadoo la sheegay inuu khasaaraha roobkaasi saameeyey miyi iyo magaaloba.

Maayarka Caynaba oo nagula soo xidhiidhay isgaadhsiinta telefoonka ayaa xog-warran ka bixiyey khasaaraha ay roobabka dabaylaha lihi gaadhsiiyeen degmadiisa, wuxuuna yidhi “ilaa 9 guri oo waaweyn oo daaro ah ayaa dumay, kuwaas oo u badan Caynaba iyo Oog iyo weliba Ceel-dhaab, waxaana dhismayaasha ka mid ah Cusbataalka Caynaba iyo iskuul hoose oo ku yaal Tuulada Habari-heshay oo dhowaan la dhisay, waxna lagu dhiganayey, roobkaasi inkasta oo uu muddo yar da’ayey, hadana waxa uu ahaa roob duufaanno iyo dabaylo wata, dadkuna way argagaxeen oo xataa guryihii ayey debedda uga yaaceen, duufaannada ka sokowna waxa uu ahaa roob danab leh, sidaa darteed waxa uu miyiga ku dhintay xoolo badan oo uu danabku laayey, iyadoo ay roobabku magaalada ka sokow khasaare balaadhan gaadhsiiyeen, taas oo ay roobabku 50% wixii aqal-soomaaliyo baabi’iyeen miyi iyo magaaloba, islamarkaana dadkii reer miyiga ahaa ooddii xeryaha ee xooluhu geli jireen ayey dabayluhu baabi’iyeen, taasina waxay keentay inay xoolihii debed fadhi noqdaan ama yaacaan oo ay dadku habeenkii oo dhan hor-joogaan”.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Caynaba iyo dad kale oo goob-joog ah oo aanu la xidhiidhnay roobabkan dabaylaha lihi waxay 50% dhulka la simeen dhirtii waaweynayd, taasina waxay keentay inay geedaha waaweyn ee jajabay gooyaan wadada laamiga ah ee isku xidha degaanka Caynaba, ka dib markii ay dhirtii hareeraha kaga teedsanayd ku soo daadatay wadada, sidaana ku xidhay dariiqii ay baabuurtu maraysay, waxayna masuuliyiinta Caynaba sheegeen inay ku mashquulsan yihiin sidii ay wadada u furi lahaayeen, isla markaana ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatada meesha timi intaa karaankooda ah. Hase yeeshee maayarka Caynaba waxa uu ugu baaqay dawladda, hayadaha samafalka iyo ganacsatadaba inay gurmad degdeg ah u fidiyaan dadka danyarta ah ee ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobabka dabaylaha ee degaankaa ka da’ay, isaga oo sheegay inay tani tahay markii saddexaad ee ay roobabku waxyeello u geystaan degmadiisa tan iyo intii ay curteen roobabka Gu’gu. Laakiin maayarka Caynaba isaga oo tafaasiil ka bixinaya khasaaraha ay roobabka dabaylaha lihi soo gaadhsiiyeen degmadiisa waxa uu yidhi “9 guri oo dhismayaal daaro ah iyo 26 sandaqadood ayey roobabku dumiyeen, maadaama uu roobku ahaa mid duufaanno watana, inta badan guryaha daaraha waxa uu ka qaaday saqafka sare oo uu burburiyey dadkii oo dhan, jiingad iyo qoriba, waana markii saddexaad ee ay roobabku khasaare soo gaadhsiiyaan degaankan tan iyo intii ay curteen roobabka Gu’gu, mar keliyana wax gurmad ah maanu helin ilaa hadda”.

Roobabkan dabaylaha leh ee khasaaraha geystay meelaha ay waxyeelada u geysteen waxa la sheegay inay ka mid tahay tuulada Qorilugud oo ka tirsan degmada Buuhoodle. Laakiin magaalooyinka Caynaba iyo Oog ayaa la sheegay inay gaadhsiiyeen khasaaraha ugu badan.

Top


“Usaama Waanu Ka Baxsanaynay, Waayo Waxaanu Garanaynay
Inaanu Na Siidaynayn Haddii Uu Gacanta Nagu Dhigo”
Waraysi- Abu-Jandal – Q: 8aad

London June 01, 2005 (Al-Qudus Al-Carabi) – Waraysiga Abu Jandal intiinii la socotay qaybtii ugu dambaysay ee Axaddii waxay inoogu joogtay iyadoo uu weriyaha ka socday wargeyska Al-Qudus Al-Carabi weydiiyey Abu-Jandal su’aal ah: maxaa keenay in la qarxiyo safaaradihii Maraykanka ee Nairobi iyo Daarasalaam?

J: Sida aan ka maqlay Sheekh Usama iyo qaar ka mid ah walaaladiisii ka ag dhodhowaa, ninka magaciisa la odhan jiray Abu Cubayd AL Banshari ayaa ahaa wakiilka Al-qaacida ee gudaha Afrika, waxaanu doonayey inuu ka faa’iidaysto loollanka hubaysan ee ka socday Afrika, sida dagaalkii ka socday badhtamaha Afrika, gaar ahaana dalalka Burundi iyo Rwunda iyo meelo kale, si uu u fududeeyo hawl-galka ay xubnaha Al-qaacida ku xuluulanayeen Afrika.
Waxyaabaha uu Sheekh Usama nooga sheegi jiray safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya waxaan ka xasuustaa inuu ku tilmaami jiray xarumaha uu Maraykanku ka darawaliyo Afrika, dhacdooyinka Afrika, gaar ahaana xasuuqii ka dhacay Ruwanda iyo Burundi oo lagu dilay inka badan 80-kun oo Muslimiin ah, sababta oo ah xasuuqii ka dhex-dhacay Tuutsiga iyo Huutuuga xaqiiqdiib waxa uu ahaa mid dhexmaray muslimiinta iyo masiixiyiinta, labadaa safaaradoodna waxay ahaayeen halka laga taakulaynayey loollankaas, arimahaasina waxay ka mid ahaayeen macluumaadkii uu Sheekh Usama ka helay xubnaha Al-qaacida ee ku sugnaa halkaas.

Abu Cubaydana waxa uu kormeer ku soo maray dhamaan goobaha ay dagaaladu ka socdeen ee Afrika, mid ka mid ah kormeerkiisana waxa uu ku soo maray dalalka Harooyinka waaweyn oo isku xidha 8 – 10 dal oo Afrikaan ah, dhamaana dawladahaa waxa ka dhacayey arimo muhiim ah, balse dhacdooyinkaa waxba kama ogin, maxaa yeelay waxay go’doon ka ahaayeen caalamka, muslimiinta halkaa ku noolaana waxa dishooday dhacdooyinkaa, iyaga oo qayb ka ahaa loollanka halkaa ka socday, Abu Cubaydna wuxuu ku dedaalayay inuu dhacdooyinkaa caalamka maqashiiyo iyo inuu xaaladahaa dadkaa ka dhigo kuwo caalami ah oo qayb ka ah dhacdooyinka caalamka laga ogyahay, waayo haddii ay noqdaan dhacdooyin caalami ah waxay qayb ka qaadanaysaa in halkaas loo diro Mujaahidiin cusub iyo in laga fuliyo hawl-galo kale. Hadafka Abu Cubaydana wuxu ahaa inuu aagag kale ku furo isbahaysiga Yuhuudda iyo Saciibiyiinta (Kiristaanka xag jira) meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, si ay arbushaadi ugu dhacdo, isla markaana ay indhahoodu u jeestaan weerarka ay ku hayaan ummadda islaamka ah.

S: Haddii aynu ku noqonno Afgaanistaan, waxaad nooga warrantaa sidii uu ku yimi ururkii Daalibaan iyo sidii uu ku qabsaday talada Afgaanistaan?
J: Intii hore dhamaan dadka ku nool waqooyiga Afgaanistaan waxay ahaayeen kuwo fikrad xun ka haysta ururka Daalibaan oo ay ku tilaami jireen kuwo Shuuciyiin ah, anaguna marka hore aqoon iskumaanu lahayn, waxay yihiin, balse si lama filaan ah ayaanu u maqalnay dagaalo ay soo qaadeen iyagoo soo galay Jalaalabaad, isla markaana si lama filaan ah ugu fiday gobolada Afgaanistaan, waxaanu isweydiiyey cida ay yihiin kuwan sida daadka noo soo galay, markaasina maanaan garaynin in ururka Daalibaan uu yahay urur islaami ah oo diini ah, waxaanuna aad uga cabsi qabnay inay gacanta nagu dhigaan Shuuciyiintaasi markale, balse waxaanu xubno qof qof ah ugu dirnay gobolka Qandahaar anaga oo sii marnay ururkii uu madaxda ka ahaa Sheekh Cabdi Raabi (Sayaaf), aniguna waxaan ka mid ahaa dadkii ugu dambeeyey ee tegay aagaas, waxaanan sii raacay kolanyo ay lahaayeen ciidamadii Axmed Shaah Mascuud, taliyaha kooxdaasi waxa uu ahaa nin aad u garanaya luuqadda Carabiga, isaga oo wax ka dhigan jiray Riyaad, waxaanu igeeyey khadkii kala qaybinayey labada ciidan aniga oo cabsi aad ah ka qaba inay gartaan dhalashadayda Carabnimo, waxaanu igu yidhi waatan xuduudaydii, Daalibaana waa kuwaa ee illaahay ha ku hanuuniyo. Markaasaan weydiiyey wa’ayo Daalibaan, wuxuuna iigu jawaabay iyagaa naga khayr badan. Markaasaan hadana weydiiyey hadaa waa maxay waxaanay Idaacaduhu ka sheegayaan ee ah inay yihiin Shuuciyiin? Waxaanu ii sheegay in Idaacadahaasi ay yihiin kuwo raacsan xukuumadda, waxaanay uga jeedaan inay dadka kasbato oo ay majara habaabiso. Ka dib waxaan u kacay dhinaca ay gacanta ku hayeen Daalibaan aniga oo maray Dariiq ay u banaan tahay dadku guud ahaan inay maraan, markii aan gaadhay dhinaca ay gacanta ku hayeen Daalibaan aniga oo werwersan oo cabsiyi igu jirto sababtuna tahay arimihii aan hore uga maqlay, balse waxa iga hor yimi si lama filaan ciidan, waxaan arkay inay yihiin dhalinyaro uu ka muuqdo inay dabaqayaan sunaha, iyaga oo gadhka la baxay, isla markaana sita cumaamado indhahana marsaday indha-kuul, qaar ka mid ahna waxaan arkay iyaga oo qur’aan ku akhrisanaya Taangiyada xagooda dambe, mid ka mid ah ayaa isoo eegay oo iweydiiyey adigu ma waxaad tahay Carab? Waxaanan ugu jawaabay Haa waxaan ahay Carab, markaasuu u qayliyey taliyihiisii oo uu yidhi waa nin Carab ah, markaasay I qabteen oo ay igu rideen gaadhi si adag loo ilaalinayo, waxaanay igu yidhaahdeen Aamin ayaad tahay ilaa aad gaadhayso magaalada Jalaalabaad, inkasta oo ay masaafadu aad u fogayd, dariiqana aan ku ogaa dhul jiif iyo shufto miidhan, balse xaaladdu way iska bedeshay sidii aan ku ogaa, dariiquna runtii waxa uu ahaa mid amaan ah oo laga nadiifiyey dhul jiifkii iyo budhcaddii, dalkuna waxa uu noqday amaan, xiligaa wixii ka dambeeyey ayaan bartay Daalibaan markaasaan Sheekh Usama kula kulmay Jalaalabaad, Taasina waxay horseed u ahayd inaan ku biiro ururka Al-qaacida markii dambe.

S: Goormaad isbarateen Usama?
J: Waxaanu isbaranay oo aan shakhsi ahaan la kulmay markii aan ka soo noqday safarkii Tajakistaan, gaar ahaana markii aan ku soo laabtay Jaalalabaad aniga oo ka imid Kaabuul oo aan ku hakaday.

S: Xiligaa Usama ma waxa uu joogay Jalaalabaad?
J: Haa, Sheekh Usama waxa uu deganaa Jalaalabaad markii aanu soo galnay Afgaanistaan ee aanu ka soo noqonay magaaladaas, sidaa darteed markii uu sheekh Usama maqlay in koox Carab ahi ay u sii jeedaan Tajakistaan ayuu isku dayey inuu nala soo xidhiidho, balse waanu ka baxsanaynay, waayo waxaanu garanaynay hadii uu gacanta nagu dhigo inaanu nasii daynayn, laakiin waxaanu ogayn inuu Usama ku sugnaa Afgaanistaan anaga oo aan soo gaadhinba.

S: Miyaad ka baqanayseen Usama Binu Laden?
La soco Axadda ………..

Top


Xukuumadda Mbagathi Oo Dawladda Yeman Ka Codsatay
Inay Dhexd-Dhexaadiso Khilaafka Soo Dhex Galay Madaxdeeda Sare

Sanca, June 01, 2005 (Haatuf) – Dawladda Yemen ayaa dhex-dhexaadinaysa Garabyada khilaafku ka dhex aloosanyahay ee xukuumada Imbagaati.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Sanca ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Imbagaati ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo maalmihii ina dhaafay booqasho ku joogay Sanca ayaa madaxweynaha Yemen ka codsaday inuu dhex-dhexaadiyo khilaafka ka dhex-aloosan madaxda sare ee xukuumada Imbagaati, Taas oo la sheegay inuu madaxweyuhuna aqbalay. Sida ay wararku sheegayaan dawlada Yemen ayaa hogaamiyayaasha xukuumadaasi u fidiyey marti-qaad muddo bil ah ay ku dhameeyaan khilaafaadkooda. Sida uu Xuseen Caydiid sheegay codsiga uu u gudbiyey madaxweynaha Yemen waxa uu uga siday C/laahi Yuusuf oo doonaya in la soo afjaro kala jabka soo waajahay xukuumadiisa debed yaalka ah ee weli ku sugan Yemen.

Khilaafkan oo ku kale dhex jira gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxweynah iyo ra’iisal wasaaraha oo dhinac ah, Taasina waxa ay keentay in xubno uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanku ay xamar u kicitimaan halka xubno kalena ay weli ku sugan yihiin Nairobi. Balse dawlada Kenya ayaa ka codsatay dhamaan xubnahaasi inay u guuraan dalkooda.

Top


Agaasimaha Xarunta Daryeelka Caruurta Ee Hargeysa Oo
Warbixin Siiyey Gudida Arrimaha Bulshada Ee Wakiilada

Hargeysa, Jun, 1, 2005- (Haatuf) – Gudida Arimaha gudaha ee golaha wakiilada oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha gudidaa Siciid Dhurde ayaa shalay booqday xarunta xanaanada caruurta ee magaalada Hargeysa.

waxaana ay gudidu warbixin ku saabsan xaalada nololeed ee ay ku sugan yihiin caruurta halkaa ku nooli ka dhegeysteen Agaasimaha Xarunta Maxamed Ismaaciil C/laahi oo sheegay inay xarunta sannadkii 2004, kusoo kordheen laba dhisme oo mid ka mida oo ka kooban saddex maqsin ay ugu tabarucday Marwada madaxweynaha Somaliland Hudda Barkhad, isla markaana ay qalabaysay.

Laakiin dhismaha labaad oo loogu tala galay in laga dhigo Waadh la dhigo bukaanka iyo qaybta lagu daweeyo bukaan socodka, balse dhismahaa oo ay dhistay hayada UNHCR, weli wax qalab ah lama dhigin, isla markaana waxa uu xusay in mushkilada ugu weyn ee haysataa ay tahay dhibaato xagga dawooyinka iyo daryeelka caafimaadka ah. sidaa awgeed ay u baahan yihiin in wax lagala qabto inay caruurtu helaan dawooyin iyo dhakhaatiir.

Agaasimahu wuxuu sheegay inay caruurta waqtigan u hoyataa meesha ay yihiin 327, kuwaas oo isugu jira wiilal iyo hablo, iyadoo ay jiraan 84, caruurta ka mid ah oo seexda debeda, balse cuntada usoo doonta meesha, isla markaana ay caruurtu kuligood wada haystaan gogosha iyo Hu’ga, iyadoo ay inta badan ku seexdaan sariiro, wuxuuna xusay inay helaan cunto fiican oo isugu jirta Beed, Caano iyo dhamaan cuntooyinka nafaqada leh, iyadoo ay xarunta ku dhaqan yihiin digaag ay gacanta ku hayaan daryeelkiisa ururka Haweenka ee Barwaaqo. Sidaa awgeed ay beedka qayb cunaan ciyaalku, qaybna loo iibiyo si loogu bedelo cunto kale.
Agaasimuha xarunta daryeelka caruurtu, wuxuu sheegay inay kaalmo badan ka helaan marwada madaxweynaha Somaliland Hudda Barkhad oo iyadu si gaara u daryeesha. Sidoo kale waxa uu xusay inay Haweenay muwaadinad ah oo la yidhaahdo Aamina C/laahi Xaaji Cali oo degan dalka Britain ay mar walba usoo dirto xaruntaa caanaha caruurta, balse ay markii ugu danbaysay u keentay Sonkor.

Waxa kaloo uu sheegay inay caawimo ka helaan ganacsatada Somaliland oo ay marka ay u baahdaan aanay ku qadin, inkasta oo uu xusay inuu ganacsade Oomaar deeq gaara siiyo.
Dhinaca dawlada dhexe wxa uu sheegay inay miisaniyadii ay siin jireen bishii oo ahayd 15,000 000, ay uga dhigeen 20, 000, 000, waxa kaloo uu xusay inuu maayarku bishii siin jiray xarunta caruurta 15 Neef oo xoolo ah, balse aanay helin marka uu safarada u boxo. Laakiin wuxuu aad ugu dheeraaday sida aanay uga helin hayadaha caalamiga ah wax kaalmo ah, isla markaana waxa uu sheegay inuu wasiirka caafimaadku u balan qaaday inuu arintaa wax ka qabanayo, balse aanu weli waxba soo gaadhin.

Mar uu ka hadlayay inay caruurta waaweyni wax shaqo ah helaan waxa uu sheegay inay dawlada hoose u shaqaaalaysay Lix caruura, halka ay wasaarada waxbarashaduna qaadatay hal qof, isla markaana waxa uu sheegay in wasiirka wasaarada Boosaha Xasan Cabdi Qayre u balan qaaday inuu kala hawl gelayo maamulka xarunta sidii loo shaqaalayn lahaa caruurta waaweyn qaarkood. Laakiin ay taasna weli sugayaan.

Gudoomiyaha gudida arimaha bulshada ee golaha wakiilada Siciid Dhurde ayaa warbixintaa ka dib sheegay inay gacan ka siinayaan xarunta sidii loogu heli lahaa dawooyin, isagoo xusay inay Hayadaha caalamiga ah ee dalka jooga iyo xukuumadaba arintaa la socod siinayaan. Xubnaha gudidu waxay warbixintaa ka dib kormeer kusoo mareen guryaha ay caruurtu hurdaan iyo goobaha ay wax ku bartaan.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ina Xaashow Wakhtigii Ummadda Hadalka
Lagu Jihayn Jiray Wey Fashilantay

Marka hore waxaan jawaab ka bixinayaa shir jaraa’id oo uu Maxamed Xaashi ku qabtay 30-kii May, eedayna u soo jeediyey xukuumada Somaliland. Marka hore waxaan Maxamed Xaashi leeyahay xukuumadu ma aha uun mid madaxweyne Rayaale leeyahay, waa xukuumad shacbiga Somaliland soo doortay ee ha ku sheegin xukuumadii Rayaale.

Haddaba, Eng. Maxamed Xaashi waxaan leeyahay mowduucyada aad maanta shirkaa jaraa’id kaga hadashay waxay fiicnaan lahayd adigoo xilkii wasriinimada haya, xukuumadana ka mid ah sidaad imika aad uga warantayna uga warama, markaasay shacbiga Somaliland wax kaa dhegaysan lahaayeen, iminkase waxaad ula muuqataa shacbiga hadalkaagu mid ah sidii raggii hore ee marka xilka laga qaado mucaaradada bilaabi jiray, ee hinaasaha xilku qaadan jiray ee wax walba ku hadli jiray. Mida kale eed leedahay shacbiga Somaliland-now haw codaynayina xusbiga Talada haya ee UDUB, miyaanad garanayn maalin maalmaha ka mid ahayd ood shacbiga ku odhan jirtay ururkii SNM wuxuu dhalay JSL, Somaliland-na waxay dhashay xusbigan UDUB. Haddaba Eng. Maxamed Xaashow ma markii hore ayaa saxa mise iminkaa saxa, mise wuxuu ahaa hadalkaasi markii aad rajaynaysay in laguu dhiibo boos wasiir oo wanaagsan ee Habeen kasta loo hagoogan jiray madaxtooyada, iyadoo aynu wada ognahay in xukuumadu tahay sidii markii Maxamed Xaashi uu wasiirka ahaa, haday noqoto dhinaca musuq-maasuqa iyo dhinac walba markayno ka eegno. Faataxadaad u marayso mujaahidiinta shihiidayna dhamaantood alle ha u naxariistee, laakiin waxaan kuu sheegayaa Maxamed in sidaa aad ugu ducaysay loo xasuusto adiga rag badan oo SNM ahiba markaad xilalka qaranka hayseen, hadayse noqdaan shuhadadu ama agoomuhu iyo naafada SNM qaar marka xilalka layska qaado un la soo abaabulo. Ma aha daacadnimo iyo dadnimo midnaba ee waa inaad markaad awooda xukuumada qayb ka hayso aad muujisaa xaqay leeyihiin oon cidina ka hor iman karin. Midaad Maxamedow leedahay qarankani hadduu cadow leeyahay waa xukuumada dibad iyo gudaba, Maxamed waxaan odhan lahaa hadii adigu xukuumadu kula noqotay cadawgii umada iyo qaranka Somaliland, qarankan Somaliland wuu yaqaanaa cadawgiisa.
Haddii adigu aad isleedahay u sawir kale oon ahayn cadawgoodii, adiguna aanad mar qudha afka soo marin karaynin cadawga Somaliland ee dhabta ah horeysiiyo dambayso toona. Cadawga qarankani waa mid macruuf ah, umaduna siday u aamisan tahay diinta illaahay si aan ka dhicin u aaminsantahay, umad lagu qaldi karaana cadawgooga ma aha oo dhib badan oon la qiyaasi karin ayaa ka soo martay.

Markaad leedahay madaxweynaha xilka xayuubin ha lagu sameeyo ama aad taageersantahayba, horta Ina Xaashow madaxweynuhu waa madaxweyne Elected ah oo shacbigu doortay, go’aan aydun kolba mooshin ka soo dhiibaysaana wuxuu ku yimid nidaamkii beelaha ee laga soo gudbay ee bal adigu ka soo saar distoorka qarankan halkay kaga jirto, madaxweyne la doortay oo baarlamaan beelaysani xilka xayuubin ku sameeyo. Ujeedada ka dambaysana shacbigu wuu fahamsan yahay intay tahay in laga abuuro xaladay maanta ku ugan yihiin walaweyn, ee Shariif Xasana koox Xamar la tegay C/laahi Yuusufna intii kale Nairobi ku ootay, waxaan idin leeyahay Ina Xaashi iyo inta kula socotaba madaxweynaha hadh cad baa sharcigu doortay kursiga madaxweynuhuna xoog xoog laguma helo ee wadaa loo maraa. Xaaladaa reer koonfureedkuna kama suuro gelayso Somaliland waanay ka tashatay ha ku daalina maxkamadaad leedihiina madaxweynaha la hor keenayaana idinku ciyaarbay idinla tahaye illaahay hayna gaadhsiiyo maalinteed, Taariikhda Somaliland shacbigu wuu hayaa maalin kaliyi may dhaafin.

Yuusuf Axmed Ali Ducaale.
Hargeysa.

Top


Miyuu Diidi Baarlamaanku Waa Deeq Rabaaniyee

Anigoo ka mid ah Odayaasha caasimada dalka Hargeysa ayaa waxaan marka hore hambalyo iyo bogaadin u dirayaa bahda Wargeyska Haatuf ee sida hagar la’aanta ah ugu adeega bulshada Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibediisa ku kala nool.

Waxaan maanta door biday inaan aragtidayda ku soo bandhigo saxaafada xorta ah. Bari waxa jiray nin Soomaali ah oo ku noolaa dalka Sucuudiga maalin maalmaha ka mid ah ayuu wuxuu arkay in Niger ah oo derejo sare garbaha u sudhan tahay, isla markaana gaadhi qurux badan wata, dabadeed ninkiiba ka xumaaday ninkani madoobi siduu waxan ku helay, xabsigaa lagu xidhay. Sida qaalibka ahna marka qofka la soo xidho maxaabiistu way ku soo ururaan, waxanay weydiiyaan waxa lagu soo xidhay. Dabeeto ninkii baa ku yidhi maxaabiistii waxa laygu soo xidhay Xasad. Maxaabiistii baa ugu jawaabtay adigu waxaad tahay nin deeqdii ale ka horyimid. Xasadka halayska ogaado ayaan ku talinayaa wa cudur xune.

Maanso kooban ayaan ku soo gebagabaynayaa:

Dunta shaal sidii loogu xidhay
Doorashadan maanta, waraaqaha markii lagu
Daabacaa markii loo rogay
Ee daacad loo tiriyey
Dadku waa farxaan, oo wuxuu doonayuu helay
Miyuu diidi baarlamaanku waa deeq rabaaniyee.

Xaaji Cabdi Iidaan Xasan
Hargeysa. 

Top