Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 996 Dec.9, 2005

Hay'adda WFP Oo Dekedda Berbera Marin Uga Dhigaysa Kaalmada Raashinka Ee Bariga Iyo Badhtamaha Somalia Iyo Itoobiya

Madaxweyne Rayaale Oo Booqday
Maxaabiistii Somaliland Ee Puntland Soo Deysay

“GAMA Waxay Heshiis Ah Inay Saddex Sannadood Sawirto Meelaha Aanu Ka Shaqaynayno La Gashay Wasaarada Dhaqanka Iyo Dalxiiska Ee Somaliland”
Professor Xavier Gutherz

Siday Uga Naxeen Ama Ugu Farxeen Reer Awdal Go'aankii Golaha Guurtidu Ka Soo Saareen
Khilaafkii Baarlamaanka Cusub?
Warbixin -- Maxamed Cumar, Haatuf, Boorama

Jubba Airways Oo Siminaar U Qabatay
Xujaajta Sannadkan Ay Xajka U Qaadayso

Madaxweyne Rayaale Oo Qado-sharaf iyo Fadhi Ugu Sameeyay Qasriga Madaxtooyada
Xildhibaanada Golaha Cusub Ee Wakiilada

Dugsiga Sare Ee Sheekh Oo Heerkiisa Waxbarasho
La Gaadhsiinayo "A" Level “SOS Waxay Hargeysa Dhawaan Ka Hirgelin Doontaa
Mashaariic Kala Duwan Oo Ay Ka Mid Yihiin Xarumo Caafimaad” Ashcari

Shirgudoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada Oo La Wareegay Xilkii
“Weli Madaxdii Axsaabtu way hadlayaan, waxa jira
maalmo la aamuso ama hadalka hoos loo dhigo”
Gudoomiyaha Guurtida

Kooxda Degmada Xudun oo Ku Guulaysatay
Koobkii Tartanka Degmooyinka Gobolka Sool

Ururka Somaliland Societies In Europe (SSE) Wuxuu Hambalyaynayaa Shirgudoonka Gollaha
Wakiilada, Odayaasha Guurtida Iyo Madaxweynaha

Khilaaf Ka Dhex Aloosmay Xubnaha
Xisbiga UDUB Ee Togdheer

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Mustaqbalka
Dhalinyarada Somaliland Waa Mid Mugdi Ah!

Ma Doonayo Inaan Dhagar Galo,
Waxaanse Doonayaa Dhiigii Inankayga

Dalku Waxa Uu U Baahan Yahay
Wasiiro Tiro Yar Oo Tayo Fiican

“Kulu Fidna Cindal Guurti”

Ninowna Midnimo Danbe Haw Durbaan Tuman

Hambalyo Iyo Bogaadin


Hay'adda WFP Oo Dekedda Berbera Marin Uga
Dhigaysa Kaalmada Raashinka Ee Bariga Iyo
Badhtamaha Somalia Iyo Itoobiya

Hargeysa, December 9, 2005 (Haatuf) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada raashinka ee WFP ayaa sheegtay inay dekeda Berbera u isticmaali doonto marinka kaalmada raashinka ah ee ay gaadhsiinayso dadyawga ku tabaalaysan bariga iyo badhtamaha Somalia iyo weliba Itoobiya, iyadoo laga soo dejin doono dekeda Berbera in ka badan 20 kun mitir tan.
Sidaana waxa sheegay madaxa xafiiska Hargeysa u jooga (WFP-Somalia) ee Isku duwaha hawlaha Somaliland iyo Puntland Mr. Jean-Pierre Mambounou oo Salaasadii xafiiskiisa ugu waramayey Haatuf.

Mr. Mambounou waxa uu faah-faahin ka bixiyey inay talaabadani ka dambaysay ka dib markii budhcad badeed halis ahi ka dilaacday xeebaha Somalia ee badweynta Hindiya. Bilihii June ilaa September waxay budhcad badeedani qafaalatay laba markab oo u rarnaa WFP, iyadoo weliba muddo ku siman todobaad ay budhcad-badeedu sii daysay markab, mid kalena ku afduubtay, taas oo sababtay in shirkadaha leh maraakiibtu ay xayiraad ku soo rogeen dekeda Somalia. Arrintaas oo WFP ku keliftay inay shixnado raashin ah ka soo dejiso dekeda Mombasa ee dalka Kenya, iyadoo ugu talo gashay raashinkaasi in ay gaadhsiiso Waajid Koonfurta Somalia oo u jirta dekedaasi ilaa 1200km.

Hawl-galkan ayaa wuxuu ku kacayaa kharash fara badan, hase ahaatee ma jirto si kale oo kaalmo lagu gaadhsiin karo dadka tabaalaysan ee Koonfurta Somalia.

Mr. Mambounou waxa kale oo uu sheegay inuu Isniintii ka dhoofay Hargeysa sarkaal WFP u qaabilsan saadka oo qiimayn ku samaynayey in dekeda Berberi hawshaa qaban karto, waxaanu intaasi raaciyey, inay arrintan wada hadalo kala yeesheen wasiirka qorshaynta Axmed X. Daahir iyo maareeyaha Dekeda Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-Xoor), iyaga oo ka wada hadlay sidii ay dekeda Berberi u noqon lahayd xarun lagu kaydiyo raashinka gar-gaarka ah ee hay’adda WFP ugu deeqayso dadyawga tabaalaysan ee ku nool gobolada bariga iyo badhtamaha Somalia, Somaliland iyo Itoobiya oo ay markii hore u marin jirtay Djibouti, iyada oo fogaanta u dhaxaysa Addis Ababa iyo dekeda Berbera aanay ka badnayn 40km oo keliya inta ay Addis Ababa u jirto Djibouti, isla markaana ay isticmaalka dekeda Berberi u madhxin doonto kharash fara badan oo awal kaga bixi jiray adeegyada dekeda Djibouti.

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Booqday
Maxaabiistii Somaliland Ee Puntland Soo Deysay

Hargeysa, December 9, 2005 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa dorraad Arbacadii ku booqday Cusbitaalka Ciidanka Milateriga Maxaabiistii Ciidanka Qaranka Somaliland ee toddobaadkan ay soo daayeen Maamul-goboleedka Puntland, kadib markii ay labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ku heshiiyeen inay isweydaarsadaan maxaabiista ay labada dhinac ku kala qabsadeen dagaal sannad iyo laba bilood ka hor ku dhexmaray tuuladda Adhi-cadeeye ee degaanka gobolka Sool.

Maxaabiista Ciidanka Somaliland oo badidoodu dhaawacyo ay qabaan u jiifa cusbitaalka Milateriga Somaliland ee ku yaala xerada Birjeex, ayuu Madaxweyne Rayaale mid mid isu kor taagay, kuna salaamay, isagoo ay la socdaan, Madaxweyne ku-xigeenka, xubno Wasiiro ah iyo saraakiisha ciidanka oo uu hor-kacaayo taliyaha ciidanka Nuux Taani.

Madaxweynuhu waxa uu ilaahay uga beryey inuu caafimaad siiyo, isla markaana wuxuu ugu deeqay in midkiiba la siiyo deeq-lacageed oo dhan 10.000.000 Sh.Sl (Toban million oo shillinka Somaliland ah iyo in loo diyaariyo biladaha ay abaal-gudka u leeyihiin, waxaanu u ballan qaaday in askarigii caafimaadkiisa halkan waxba lagaga qaban kari waayo loo diri doono dhakhtar dibedeed.

Top


“GAMA Waxay Heshiis Ah Inay Saddex Sannadood
Sawirto Meelaha Aanu Ka Shaqaynayno La Gashay
Wasaarada Dhaqanka Iyo Dalxiiska Ee Somaliland”
Professor Xavier Gutherz

Hargeysa, December 9, 2005 (Haatuf) – Waxa shalay magaalada Hargeysa ka dhoofay koox khubaro Faransiis ah oo cilmi baadhis la xidhiidha Aasaarta qadiimiga ah ka waday Somaliland, kuwaas oo ka helay Somaliland sawiro qadiim ah oo lagu sawiray ranji ah macdan ah oo la sawiray shan kun oo sannadood ka hor.

Sawiradaas oo ah lo’ bilaa tuur ah iyo mid tuur lehba waxa laga helay ay ka mid tahay Laas-Geel oo ka tirsan Gobolka, Saaxilna.

Haddaba, waxa bilihii la soo dhaafay la isla dhexmarayey inaanu jirin wax heshiis ah oo kooxdan Faransiiska ah ay la gashay wasaarada Dhaqanka ee Somaliland, isla markaana ay kooxdan khubarada Faransiiska ahi heshiiska ay cilmi baadhista kaga samaynayaan Somaliland ay wakiil ka tahay wasaarada cilmi baadhista ee Djibouti, balse waxa arrintaa ku beeniyey Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, Cismaan Cali Bile, waraysi uu Wargeyska Haatuf siiyey maalintii Maalintii Isniintii ee todobaadkan, kaasi oo la baahiyey maalintii Salaasadii.

Wasiirka Dhaqanka ee Somaliland waxa kale oo waraysigaa wax lagaga weydiiyey shirkad Faransiis ah oo ka ganacsata sawirada oo magaceeda la yidhaahdo GAMA inay kelideed ruqsad u haysato baahinta sawiradaa qadiimiga ah ee laga helay Somaliland inay iibiso.
Haddaba Wargeyska Haatuf wuxuu sidoo kale arrintan wax ka weydiiyey Maxamed Cumar oo ah nin reer Djibouti ah oo ka shaqeeya xarunta Cilmi Baadhista ee Djibouti, isla markaana khubaradan Faransiiska ah la socday iyo Xavier Gutherz oo ah madaxa kooxda khubarada Faransiiska ah.

Maxamed Cumar waxa uu ka jawaabayaa su’aasha la xidhiidha inay arrintan lug ku leedahay wasaarada cilmi baadhista ee Djibouti, halka uu Professor Xavier-na ka jawaabaya waxa ka jira arrinta GAMA.

Haddaba, waxa ay su’aalahani u dhaceen sidan.
S: Mohamed Cumar, waxaad ka warantaa maxaa ka jira in heshiiska ay wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska ee Somaliland la gashay Jaamacadan Faransiiska ay lug ku leedahay xarunta cilmi baadhista ee Djibouti?
J: waxa weeyaan wax suuqa soo galay anigu ma ogi, laakiinse waxaan kaaga sheekaynayaa siday waxani ku yimaadeen iyo taariikhdii cilmi baadhista asaarta Somaliland.
Kooxdani waxay ka shaqaysaa Djibouti iyo dawlado kale oo fara badan sida Itoobiya iyo meelo kale oo caalamka ah. Markaa 2000-dii kun anaga oo ka wada shaqaynayna Djibouti ayaan maalin ku idhi maxaad u tegi waydeen Somaliland oo aad uga samayn weydeen cilmi baadhis, sababta aan su’aashaa u weydiiyeyna waxa weeye, Somaliland waa wadankaygii labaad, iyada oo ah halkay aabahay iyo waalidkay ku dhasheen. Nin reer Djibouti ah oo wadankiisa jecel-na waan ahay. Markii aan su’aashaa weydiiyeyna waxay iigu jawaabeen, walaahi waanu jecelnahay inaanu ka shaqayno, laakiin xidhiidh baanaan la lahayn. Si loola xidhiidhana ma garanayno, markaa fasaxaygii 2000-dii kun ayaan halkan imi, aniga oo ka soo qaaday codsi ay jaamacadoodii ka soo qoreen. Laakiin sannadkaa waan ku guulaysan waayey, waqtigaana waxa I caawiyey oo dhawr wasaaradood I soo mariyey madaxweyne ku xigeenkeena maanta oo xiligaa Mudane Baarlamaan ahaa (MB).

2001-dii ayaan haddana markale soo noqday, aniga oo doonaya in raggaa fasax la ii siiyo si ay wadanka u yimaadaan, oo ay cilmi baadhis uga sameeyaan. Laakiin 2001-dii waxaanu is helnay Cismaan Cali Bile wasiirka hidaha, dhaqanka iyo Dalxiiska, dabadeedna markii aan u gudbiyey codsigii jaamacada wuxuu ula tegay alla ha u naxariistee madaxweynihii dalka Maxamed Ibraahim Cigaal, isagaana amar ku siiyey in fasax lana siiyo aanu wadanka kaga shaqayno. Sidaas ayaanan ugu guulaystay inaan raggii asaxaabtayda ahaa keeno Somaliland.
Taasina waxay kuu cadaynaysaa inaanay jirin wax lug ah oo ay ku leedahay wasaarada cilmi baadhista ee Djibouti. Laakiin hadalkii uu wasiirku ku yidhi ee ahaa haddii laga tegi waayo waxa jira nin Maxamed Cumar la yidhaahdo oo ay iyagu si shakhsiya u soo kaxaysteen. Taasi laftigeeda waxaan ka leeyahay, anigu ma ihi nin ay si shakhsi ah u soo kaxaysteen, laakiin waxaan doonayaa inaad ku cadaysid jaraa’idkaaga inaan ahay nin raggan dalka keenay. In badana ugu dhibaatooday, wax badanina ka soo mareen. Waxa kale oo aanu kuu cadaynayaa inaanan ahayn nin ay wax ka soo galaan arrintan.

Waxa kale oo aan kuu cadaynayaa inaan muddo lix sannadood ah fasaxaygii bisha ahaa ee sannad walba aan u huray Somaliland, iyadoo aanay waxba iga soo gelin. Aniguna dhib mooyee, wax aan dheef ku qabaa ma jirto, mana jecli in hadalo aan I qaban jaraa’idka laga yidhaahdo.

S: Maxamed dad badan oo reer Somaliland ah ayaa laga yaabaa marka ay maqlaan inaad ka shaqayso wasaarada cilmi baadhista ee Djibouti aad adiguna la socoto kooxdan cilmi baadhista samaynaysa inay maskaxdooda ku soo dhacdo in laga yaabo in ay Djibouti arrintan lug ku leedahay, markaa taa maxaad ka leedahay?
J: Anigu waxaan ka shaqeeyaa wasaarada cilmi baadhista ee Djibouti, laakiin kama socdo ee waxaan ahay nin fasax ku jira. Fasaxaygana waxaan u huray Jamhuuriyada Somaliland inaan ugu shaqeeyo, iyada oo aanay waxba iga soo gelin.
Dhinaca kale madaxa kooxdan khubarada Faransiiska ah Xavier Gutherz waxa aanu isagana weydiinay su’aashan.

S: Professor Xavier, faah-faahin naga sii mawduucan shirkada GAMA ee la sheegay inay ka ganacsato sawirada asaarta ah ee laga helay Somaliland iyo qaabka haddii ay jirto ay uga ganacsato?
J: Sannadkii 2003- ayaa Wargeyska ugu weyn Faransiiska ee Le Monde ayaanu boggiisa hore ku qornay Somaliland iyo goobtii asaarta ahayd ee Laas-Geel, markaa sawir baa ku soo baxay, dabadeedna waxa igu soo dhacay mawjado telefoono ah oo ay Warbaahintu ila soo xidhiidhayso. Laba sababood ayaa keenay inay warbaahintu ila soo xidhiidho.

Ta u horeysaa waxay ahayd waqtigaas oo la helay godad ranji ah oo laga helay Faransiiska. Oo leh ranjiyo qurux badan. Taas oo wadanka xiiso weyn gelisay. Anaguna markaanu noqonay Laas-Geel baanu ka hadalnay oo aanu ka helnay u aragnay kuwa caalamka kula tartami kara sawirada kale ee qadiimka ah ee laga helay wadamada kale ee dunida.
Ta labaad waxay ahayd ee ay warbaahintu noola soo xidhiidhaysay, waad ogtahay Somalia dad badan oo cadaan ahi ma yimaadaan. Markaa iyagu waxay xiisaynayeen in cilmi baadhayaal Faransiis ahi ayaa wadne u helay inay tagaan halkaasi. Iyada oo fikrad kale laga haysto Somaliland iyo Somalia-ba.

Markaa warbaahintaa nagu soo ururtay waxaanu kala dhex baxnay GAMA, sababta aanu ugala dhex baxnayna waa iyaga oo ku caan ah sawir qaadida. Waad ogtahay marka la doonayo in sawirada noocan oo kale ah la qaado inay u baahan tahay dad aqoon u leh.
Waxaanay na soo raaciyeen laba nin oo midi sawir qaade yahay, midina arrimaha sayniska wax ka qoro.

Waxa aan kuu sheegi sida ay GAMA u shaqayso, GAMA waxay na weydiisatay sawirada iyo warbixintaa ay soo qaadayso, taas oo ah waxeedii, maadaama uu qof waliba shaqadiisa leeyahay. Taasna macnaheedu maaha in Laas-Geel loo diiday inay dadka kale sawirtaan.
GAMA laba siyaabood bay u shaqaysaa, mar waxay bandhigaan sawirada oo keliya, marna sawirkii iyo qoraalkii ayey wada bandhigaan oo laga qaataa.

Anaga GAMA wax gaar ah namay siinin, laakiin qaybtan aanu ka socono ayey ku caawiyeen 5000 EURO ah, iyaguna ay noogu iibiyeen tikidhadii aanu ku soo dhoofnay.
Laakiin shakhsiyan wax ay aniga I siiyeen oo ii gaar ahi ma jirto.

Ka dibna waxa aan anigu ku idhi, waa inaad codsi u dirtaan wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Somaliland, dabadeedna Email ayey u soo direen wasiirka Cismaan, waanu ogolaaday oo wuxuu yidhi way sawiran karaan. Sidaasayna ku yimaadeen.

Anaga sawiraday qaadeen way na siiyeen, wasaaradana way siiyeen. Waxaase dhacday in sawiradii GAMA in maanta meel walba lagu hayo. Waana la sii isticmaalay. cid bixisayna anagu ma garanayno.

Anagu waxaanu wasaarada la saxeexanay heshiis noo fasaxaya inaanu baadhno muddo saddex sannadood ah laba gobol oo Somaliland ah, kuwaas oo kala ah Hargeysa iyo Saaxil. Sidaas oo kale ayey GAMA-na heshiis ula gashay wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Somaliland. Iyaga heshiiska waxa loogu ogolaanaya inay muddo saddex sannadood ah sawiro ka qaadaan labadaa gobol ee aanu ka shaqaynayno.

GAMA-na waa xafiis warbaahineed oo sida Haatuf oo kale ah. Iyaguna marbay yimaadeen oo markiina wixii ay arkeen ayey qaateen.

Haddii aan soo qaato, markii ugu dambaysay waxa I waraystay Wargeys ka warama aasaarta oo ka soo baxa Talyaaniga, waxayna I weydiiyeen sawiro, dee sawirada anigu ma lahayn ee GAMA ayaa lahayd oo aan u doonta ku idhi. Laba saddex sawirna waxay ka iibsadeen GAMA. Markaa anaga wax naga soo galaa ma jirto, GAMA-na sidaasay caalamka u socotaa.

Top


Siday Uga Naxeen Ama Ugu Farxeen Reer Awdal
Go'aankii Golaha Guurtidu Ka Soo Saareen
Khilaafkii Baarlamaanka Cusub?
Warbixin -- Maxamed Cumar, Haatuf, Boorama

Doorashooyinkii dalka ka dhacay 29kii bishii September ayaa waxa la odhan karaa waxay ahayd doorashadii ugu ololaha badnayd, ugu xamaasadda badnayd, ugu kharashka badnayd uguna beelaysnayd maadaama xubnaha baarlamaanka cusub marka horeba lagu saleeyey nidaam beeleed, balse waxa ka qurux badnayd inay ku salaysnaato nidaamka axsaabta oo aan hore uga sii soconno hab-beeleed maadaama nidaamka beeluhu Somaliland ka sii baxayo.
Doorashadani waxa kale oo ay ahayd mid tijaabo innagu ahayd isla markaana lagu kala saarayey in Somaliland tahay dal dimuqraadi ah iyo inay tahay dal uu ka jiro xukun diktaatoori ahi. Nasiib wanaag doorashada golaha baarlammaanka Somaliland waxa uu ku dhammaaday si nabadgelyo ah.

Dhinaca kale dhammaadka doorashada waxa ku xigay sheegista natiijadii ka soo baxday oo uu shaaca ka qaaday guddiga doorashada qaranku, isla markaana ay ansixisay maxkamadda dastuuriga ahi. Laba bilood ku dhawaad kaddib waxa shacbiga Somaliland sugayey hawlgalka baarlamaanka si loo arko horumarka ay ku baaqi jireen xubnihii u sharraxnaa xildhibaanimada baarlamaanka cusub ee axsaabta siyaasaddu, muddada badanna ugu ololaynayeen mucaarad iyo muxaafidba inay dalka gaadhsiin doonaan horumar.

29kii bishii aynu soo dhaafnay ee November ayaa xubnaha ku guuleystay doorashada daalka badan loo soo maray waxay isku diyaariyeen inay fadhiistaan aqalka baarlamaanka Somaliland oo laga yaabo inaanay qaarkood weli hore u arag. Markii ay tageen aqalkaasi xubanaha baarlamaanku waxa khudbad qiimo lahayd ku soo dhaweeyey Madaxweyne Rayaale, kaddibna waxa laga dheregsanyahay hadalkii lagu guban gaadhay ee ka soo yeedhay ninkii ugu da'da weynaa baarlamaanka Somaliland Mudane Dhaadheere. Intaa kaddib waxa kale oo laga dheregsan yahay dhacdooyinkii ka dambeeyey iyo khilaafkii ka hadashiiyey qaar ka tirsan siyaasiyiinta reer Awdal u fadhida Hargeysa.

Runtii dad badani waxay khilaafkaasi ka muujiyeen walaac, si kastana ha ku dhammaadee waxa xiisaddaa dejiyey go'aanno xildhibaanada cusub, kuwii hore, xukuumadda, axsaabta mucaaradka iyo shacbigaba ka farxiyey ama qaarkood ka cadhaysiiyey lagu ansixiyey xubnihii shirguddoonka loo magacaabay iyo fadhigii lagu doortayba Guurtida Somaliland ka soo saareen Hargeysa laba ilaa saddex casho oo welwel leh kaddib.

Haddaba dadweynaha reer Awdal oo maanta haya hoggaanka dalku siday u qaateen go'aanka ka soo yeedhay golaha Guurtida Somaliland ee u shacbiga iyo dawladdaba u sheegay Mud. Saleebaan Maxamuud Aadan. Reer Awdal markii ay maqleen go'aankaasi badhkood suuqa uun ka maqleen waxa u markiiba ka farxiyey xubnihii weligoodba kala taageeri jiray muxaafidka ama mucaaradka. Dad badan oo aan wax ka weydiiyey sida wa u dhaceen ayaa doorkan si qabow uga jawaabay taageerayna, kuwa kalena si aan kala jeclaysi lahayn ayey u sheegeen, qaarna si xamaasad leh ayey u taageereen kuwaas oo u badnaa taageerayaashii axsaabta mucaaradka oo aan Hargeysa ka maqal go'aan ay ku farxaan tan iyo intii Madaxweyne Rayaale xukunka dalka hayey, kuwaas oo doorashooyinkii hore iyo kuwa haatan dhammaadayba reer Boorama u arkayeen kuwa ku caasi garoobay hoggaankooda.

Si kastaba ha u dhacdee waxa badi dadka aan wax ka weydiiyey ee hore u taageeri jiray xukuumaddu taageereen go'aankan iyagoo Madaxweyne Rayaale ku ammaanay sidii geesinnimada lahayd ee uu u badbaadiyey dalka una aqbalay go'aanka golaha Guurtida, balse waxa iyagu guusha si cad u sheegtay taageerayaashii axsaabta mucaaradka oo go'aankan ku tilmaamay mid ay xaq u lahaayeen balse siyaasiyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga UDUB carqalad gelinayeen si ay u kasbadaan aqlabiyadda baarlamaanka. Maanta iyadoo aan laga hadlayn sharciyadda iyo sharci-darada Guurtidu ku ansixiyeen fadhiga Golaha baarlamaanka ee lagu doortay shir gudoonka balse waxa dad badani hadal hayaan sababta xisbiga UDUB looga yeeshay aqlabiyadda baarlamaanka cusub. Dadkaasi oo isugu jiray mucaarad iyo muxaafidba ayaa inta badan waxay arrintaa ku nisbeeyeen sida aan kala hadhka lahayn ee reer Awdal ugu daba fayleen xisbiga UDUB iyo xukuumadda. Waxa taa dheeraa sida siyaasiyiinta reer Awdal dhammaantood dhinac uga noqdeen axsaabta mucaaradka ah, af keliya, ficil keliya iyo UDUB oo keliya u muujiyey guud ahaanba shacbiga reer Somaliland, taas oo xitaa maalmihii dambe wargeysyada dalka lagu qoray sida aan kala hadhka lahayn ee reer Awdal u taageerayaan sax iyo qaladba xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbiga UDUB, taasina ay aakhirataankii keentay ficiltan lagu beegsaday xisbiga UDUB oo ka yimaadda xildhibaanada laga soo doortay Somaliland inteeda kale.

Waxa kale oo taas ka sii darraa sida xubno ka tirsan xildhibaanada reer Awdal ee ku guuleystay doorashadaasi kana tirsanaa ama ku soo baxay magaca xisbiga UCID ay fadhigaasi ula safteen xisbiga UDUB, Xildhibaanadaasi oo laba ahaa ayaa la sheegayaa inay xildhibaanada xisbiga UDUB kaga horreeyeen ka bixitaanka fadhigaasi taas oo iyaduna mar kale sii kicisay caadhada xildhibaanada ka soo baxay Somaliland inteedii kale.

Calaa kulli xaal reer Awdal way aqbaleen natiijada si kastaba ha u aqbalaane, waxayse aqbalaaddaasi hoos u dhigtay farxaddii ay uga barteen doorashooyinkii la soo dhaafay, waxay aqbalaaddaasi ula mid ahayd tii ay ku oggolaadeen 13 xubnood ee looga qoondeeyey kuraasta baarlamaanka Somaliland, waxayna labadaa arrimood reer Awdal u ahaayeen labadii arrimood ee ugu darraa ee ay ka aqbalaan xukuumadda maanta ay hoggaaminayaan.

Top


Jubba Airways Oo Siminaar U Qabatay
Xujaajta Sannadkan Ay Xajka U Qaadayso

Hargeysa, December 9, 2005 (Haatuf) – Shirkada Diyaarada ee Juba Airways ayaa shalay siminaar ku saabsan qaabka Xajka loo guto u qabatay Xujaajta sannadkan xajka tegaya ee ay shirkadaasi qaadayso.

Siminaarkan oo lagu qabtay Hoteel Hadh-Wanaag ee magaalada Hargeysa waxa iska kaashaday shirkada Diyaaradaha ee Juba Airways iyo xafiiska Wacyigelinta Xujaajta ee Hargeysa, waxaana dadka lagu bari doonaa waajibaadka xajka iyo waxyaabaha looga baahan yahay qofka xajka tegaya.

Khadar Bayle oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadaasi ayaa waxa uu ka akhriyey furitaankii siminaarkan warbixin la xidhiidha barnaamijkan, waxaanu ku bilaabay. “Haddii aan idiin sharaxo barnaamijka ka waramayay wacyi-gelinta xajka, kaas oo aanu ugu tala galnay dadka raba sannadkan 2005-2006 in ay xajaan, sababtiisuna waxa weeye xajka waa camal cibaado, shirkaduna waxay door biday in aan dadka dheef uun laga doonin ee wax lagala qabto sidii u camalkoodu u noqon lahaa mid ansaxa, sidii culimadu inoo sheegtay, waa dhacda dadkii oo uu kaga baxay kharash badan in aanu camalkoodii sax noqon, sidaas darteed, waxaanu istusnay in dadka dhinacyo badan wax lagala qabto, sida culimada wacyi-gelinaysa, caafimaadka oo arintan muhiim ah, waayo waxaad arkaysaa dadkii kale ee caalamka oo wata culimadoodii iyo dhakhaatiirtoodii, waxay noqotay dadkii ka imanayay Somaliland ama Somaliyaba dad garab rarato ah oo aan wadan cid tilmaanta iyo cid hagta toona. Sidaas awgeed waxaanu go’aansanay hadii aanu nahay shirkada Jubba Airways in aanu dadka caawino dhinaca adeegyada diiniga ah, dhinaca caafimaadka iyo dhamaan adeegyada dadku u baahan yahay inta xajka la joogo. Anagu waxaanu jecelnahay in aanu siminaarada u qabano sannad walbana aanu joogtayno, wixii horumar ah ee aanu ku samayn karnana aanu ku samayno. Waxaanay shirkada Juba Airways ku caawinaysaa dadka xujayda ah ixraamkii labadii go’ ee cadaa iyo suunkii dhexda lagu xidhayey, dumarkana sijaayadihii ay ku tukunayeen maadaama oo aan iyaga wax kale looga baahnayn.”

Waxa isna halkaa ka hadlay Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir oo ka mid ah culimada magaalada Hargeysa.

Sheekh Dirir waxa uu ka waramay waxyaabaha qofka xajka gudanaya looga baahan yahay, waxaanu isaga oo sharxaya yidhi. “Qofka xaja ee cayda iska ilaaliya, dadkana si wanaagsan ula dhaqma, xajkana si ansaxa ah u guta, waxaa uu xaga dambiga ka noqoanyaa sidii maalintii Hooyadii dhashay oo kale.

Haddaba, qofka iska ilaaliya intaa aynu sheegnay ee Illaahayna u aqbalo waxa uu noqonayaa qof dembigii ka maydhmay, taasi waa bushaarooyinka iyo fadliga xajka.

Faa’iidooyinka xajka ee qofka muuminka ahi helayo waxa ka mid ah Jannada, Dembi dhaaf, xataa waxaa uu Nebigu NNKH yidhi bahashan aduunyada ee aynu aadka uga daba-dhacnay in illaahay kuu fududaynayo. Waxa kale oo u nebigu yidhi. “Xaja oo Cimreysta marka aad heshaanba, waayo waxa ay u buufiyaan sida tumaalku u buufiyo birta ayay xajka iyo cimraduna u buufiyaan, waayo waxaan aragnaa dad tijaar ah oo sannadkii hore xaja oo faa’iido badan helay, dabadeetana ku celiyey oo hadana faa’iiday, markaa ka dibna sannad walba baas-gareeyey in uu faa’iidadiisa ka xajo. Waxa kale oo ka mid ah faa’iidooyinka xajka marka aad halkaa tagto iyo marka aad beledkaaga joogtid, waxa uu qofku dhex tegayaa dad walaalihii ah oo kala midab ah, kala af ah, oo qushuucsan, isaga laftiisa marka uu arko qof cibaadaysanaya mar walba oo meeshii uga soo dheeraynaya dabadeeto isagiina wuxuu kordhinayaa Alle ka cabsigiisa oo wuxuu odhanayaa bal odayga intan le’eg ee maalin walba kaa soo horeynaya.

Waxa kale oo oo qofka xajaa helayaa walaalihiiisa Musmlimiinta ah ee Caalamka oo dhan ku kala nool, dadka qaarkoodna iyaga oo dawaafka ka baqaya ayaanu tusnaa islaan weyn oo ordaysa oo tukubaha sidata, markaa qofkii camalkii diciifka uu ka ahaa, waxa uu u helayaa yididiilo xoog ah, garaadkiisiina wuu korayaa oo wuxuu ogaanayaa in walaalihiisa muslimiinta ahi ay dad aad u farabadan oo caalamka ku kala nool.

Axkaamta Xajka halkan ku wada koobi kari mayno ee waa is darsii kaliya, waxa kaliya ee u muhiimsana waxa weeyi idinku waxa aad tihiin askar, askari hareeraha eegayna lama ogola”.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Jaamac Cabdi Axmed oo ka mid ah culimada, waxaanu yidhi “Xajku berigii hore waxa uu ahaa mid aan cidna ka masuul ahayn xaajiga, laakiin imika wuu isbedelay oo waxa jira culimo ku xajinaysa oo kugu wacyi-gelinaysa, taasina waxa ay ka dhalatay ka dib markii aanu aragnay xujaajteenii oo dayacan ayaa culimadii Maka iyo Madiina deganayd oo ay ka mid ahaayeen Sh. Maxamed Sh. C/raxmaan iyo aniga laftayda, waxay noqotay in xujaajtan dayacan nidaam loo sameeyo si xajkoodii u ansaxo. Markaa hawshan waxaanu wadnay todoba sannadood, waxaana dhacday in aan u samaynay nidaam siinana wacyi-gelin ku saabsan arrimaha xajka. Haddaba, maanta marka aynu halkan ka tagno waxaynu ognahay guriga aynu Maka ka degayno waxa khasab noqotay in Sheekh raaco dadkii oo aanay noqon in dadka kitaab badan halkan looga akhriyo iyagoon aqoon badan lahayn, dabeetana xajka tagaan”.

Ugu dambeyntii waxa hadalka la wareegay Sh. Maxamed Aadan, waxaanu yidhi “Aniga taydu waa gunaanadkii, waxaana hadalka dhamaystirtay culimadii iga horeysay. Inteena halkan isugu timid hadii aynaan wada socon oo aynaan wacyi-gelin helin nin walba tigidhkiisa goosto iyo hadii aynu isku xidhnaano oo aynu is wacyi-gelino oo aynu wax isku sheegno, waxaynu noqonaynaa ummad isku xidhan oo guri kaliya ku nool, xajkeena iyo cimradeena waxay nqoon doontaa mid kaliya. Waxaananu samaynay xafiiska wacyi-gelinta xujaajta, xafiiskani maaha mid aanu maskaxda uun ka samaynay ee waa mid ka yimid markii aanu aragnay umadeena dayaca ka haysta gudashada xajka iyo aqoon la’aanta iyaduu barbar socota lama arag dunida umad safraysa oo noqonaysa wefti illaahay oo iska soo baxda, laakiin umadaha kale waxa ay soo baxaan iyaga oo culimadoodii wadata, caafimaadkoodii wadata ayay yimaadaan. Markaa inagu waxa inagu dhacay burbur, taas ayaa dib inoo reebtay, waxaana xajka iman jiray caalamkii oo dhan oo hahaysan iyo umadeenii oo habqan ah. Maalin baan arkay nin reer Soomaaliyeed ah oo meel gudaafad iyo xashiish dhex degan waa hooyo iyo inankeedii, aniga iyo inan kale ayaa wada soconay, waxaanu isnidhi waar malaha reerkani waa Soomaali ee aynu u eegno, dib baanu ugu noqonay. Waxaanu weydiinay maxaa meesha idin dhigay, waxay noogu jawaabeen in meeshan ay bas kaga degeen, dabadeeto ay garan la’yihiin meel ay tagaan iyo cid ay la hadlaanba. Waxaanu mar labaad weydiinay in ay wax cuneen iyo in kale, waxay noo sheegeen in aanay waxba cunin, waxa kale oo aan ogaanay in ay aduun haystaan ee aanay baahi u geyn meesha, e ta jirtaa ahayd in ay waayeen cid hagta iyo cid wacyi-gelisa, taasi ayaana keentay in ay halkaa dhex degaan”.

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Qado-sharaf iyo Fadhi
Ugu Sameeyay Qasriga Madaxtooyada
Xildhibaanada Golaha Cusub Ee Wakiilada

Hargeysa, December 9, 2005 (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa doraad Qasriga Madaxtooyadda casuumad qado-sharaf iyo fadhi qayilaad ah ugu sameeyay dhammaan mudanayaasha Golaha Wakiilada cusub iyo shir-gudoonkii hore Wakiilada wakhtigoodu dhamaaday iyo Xubno ka mid ah Odayaasha Golaha Guurtida.
Casuumadan isugu jirtay qado-sharaf iyo fadhi ka dambeeyay oo aad la isugu waraystay, ayaa waxa ka soo qaybgalay dhammaan xildhibaanada cusub ee wakiilada, xubno gaadhaya 20 oday oo ka socday Golaha Guurtida oo uu hor kacayey, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiye-ku-xigeenka Guurtida, Sheekh Axmed Nuux, Xaaji Cabdi Xusseen "Cabdi-Waraabe" iyo rag kaloo badan oo ka tirsan Golaha Guurtida.
Sidoo kale waxa dhinaca Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku wehelinayay fadhigaas Madaxweyne-ku-Xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka, Cabdi Xasan Buuni.

Kulanka fadhiga ahaa ayaa dhinacyada kala duwan ee isugu yimi waxay isku dhaafsadeen hadalo uu dhinac walba ku muujinayay sida uu diyaarka ugu yahay wada-shaqayn dhexmarta golaha wakiilada cusub iyo xukuumadda, waxaana sida ay sheegeen ilo aanu ka soo xiganay oo goob-joog ka ahaa kulankaasi sheegeen ka muuqday dhinacyadaas farxad iyo inay diyaar u yihiin wada-shaqayn dhexmarta labada dhinac.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu hadal uu kulankaas ka jeediyay mar labaad hambelyeeyay shirguddoonka Cusub ee Golaha Wakiilada, isla markaana wuxuu u mahadnaqay Xildhibaanada 82-ka ah ee soo ajiibay martiqaadkiisa, isagoo halkaa ka soo jeediyey, dardaaran dheer iyo waano uu u jeediyay xildhibaanada, Madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay in Somaliland ay halkaa ku soo gaadhay isu tanaasul iyo kala-dambayn, taas oo sida Madaxweynuhu tilmaamay uu yidhi "Waxaynu kaga duwanahay dalal badan oo Africa iyo dunida kaleba ah isu tanaasul iyo kala-danbayn."

Sida la sheegay Madaxweyne Rayaale waxa uu ballanqaaday inuu la shaqayn doono golaha cusub ee wakiilada, "Waxaan ballan ku qaadayaa in aan ku wada-shaqayno ku-dhaqanka distoorka," ayaa yidhi Madaxweyne Rayaale isagoo sheegay in dal kastaa uu ku horumari karo markuu sharciyadiisa ilaaliyo, halka dalka sharciyadiisa ku tuntaana uu dumo.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isna halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa la sheegay inay hadaladiisa ka mid ahaayeen: "Waxaanu ballanqaadaynaa inaanu si wanaagsan oo distoorka iyo sharciga waafaqsan ugula shaqeyno Xukuumadda, danta qarankana wax walba iyadaanu ka horreysiinaynaa."

Guddoomiyaha Golaha Guuritda, Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna halkaas ka hadlay ayaa ku ammaanay Madaxweynaha, sidii xilkasnimada iyo geesinimada dheeraadka ah lahayd ee uu uga aqbalay go'aankii ay soo saareen, kaas oo uu Guddoomiyuhu ku sheegay in uu ahaa go'aan aad u adag, iyadoo buu yidhi; "Go'aankan aanu qaadanay annagoon u eegin sharciyad, gar u eegin, ayaanu go'aankaa soo saarnay."

Dhinaca Shir-guddoonkii golihii hore ee wakiilada waxa iyagana u hadlay, Guddoomiyihii hore Maxamed Aadan Qaybe iyo Guddoomiye-ku-xigeenkii 1aad, Cabdiqaadir Jirde, iyagoo halkaa ka soo jeediyay hadalo guubaabo iyo kaftan isugu jiray oo ay kula kaftamayaan Mudanayaasha cusub iyo shir-guddoonkooda.

Sida la sheegay Waxa kaloo iyaguna halkaa ka hadlay, Madaxweyne-ku-Xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-Waraabe), Muxumed Aw Axmed iyo Cumar Budeeye, oo ka mid ah Odayaasha Guurtida.

Si kasta ha ahaatee, waxay wararku sheegeen in kullankaasi uu ku dhammaaday jawi wanaagsan, waxaana Madaxweynaha iyo xubnaha xildhibaanadaba ka muuqatay farxad iyo kalsooni cusub oo ay kala heleen.

Top


Dugsiga Sare Ee Sheekh Oo Heerkiisa Waxbarasho
La Gaadhsiinayo "A" Level
“SOS Waxay Hargeysa Dhawaan Ka Hirgelin Doontaa
Mashaariic Kala Duwan Oo Ay Ka Mid Yihiin Xarumo
Caafimaad” Ashcari

Hargeysa, December 9, 2005 (Haatuf) – Dugsiga Sare ee Sheekh ayaa kor loo qaadayaa heerkiisa waxbarasho, iyada oo la gaadhsiinayo "A" Level, waxaana sidaa Haatuf u sheegay shalay C/Laahi Maxamed Ashcari oo ah nin reer Somaliland-na oo xubin ka ah maamulka sare ee SOS (hay’adda samafalka ee gacanta ku haysa dugsiga sare ee Sheekh).

Dugsiga sare ee Sheekh oo markii hore loogu talo galay in saddex sannadood ardayda dhigataa ay ku qalin jebiso shahaadada GCSE “O” level, ayaa hadda lagu darayaa laba sannadood oo ardaydu dhigan doonto shahaadada GCSE "A" Level, taas oo macnaheedu tahay in ardayda shahaadada GCSE "A" level ka qalin jebisaa ay si toos ah u geli kari doonaan jaamacadaha adduunka, gaar ahaan UK, halka markii hore ardayda shahaadada GCSE "O" level oo keliya sidataa ay u baahnaayeen in ay laba sannadood debadaha ku dhigtaan shahaadada GCSE "A" Level, si loogu ogolaado inay jaamacadaha galaan.

Waa markii ugu horeysay waxbarashada shahaadada GCSE "A" Level ay ka hirgasho Somaliland. Imtixaanka shahaadadan GCSE "A" Level ayaa waxa diyaarisa, sixina doontana guddiga Imtixaanaadka ee Jaamacadda London University.

C/laahi Ashcari waxa kale oo uu sheegay in marka imtixaanka shahaadada GCSE "A" Level lagu qaadayo dugsiga sare ee Sheekh ay ka qayb geli kari doonaan ardayda kale ee dugsiyada Somaliland ee buuxiya shuruudaha imtixaanka.

C/laahi Ashcari waxa kale oo uu sheegay in hay’adda SOS ay ka hirgelin doonto magaalada Hargeysa mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin, xarun lagu baadho dhibaatada caafimaad ee haysa bukaan socodka guud (Diagnosis center), Cusbitaal lagu xanaaneeyo, laguna daaweyn doono dadka qaba HIV/AIDS-ka, cusbitaal dhalmo (Maternity Hospital) iyo farmasii lagu kaydiyo daawooyinka.

Dhinaca kale Maxamed Cali oo Haatuf ka tirsan oo dalka Ingiriiska wax ku bartay ayaa faah-faahin ka bixiyey shahaadada GCSE derejada "A" level iyo siyaalaha uu ardayga u anfaco, waxaanu ku bilaabay sidan:-

"Waxbarashada "A" level aad ayey waxtar weyn ugu leedahay ardayda.
Ardayda ka gudubta secondary schools-ka ee ay himiladoodu tahay inay waxbarasho heer jaamacadeed halkaa ka sii wadaan ayaa looga baahan yahay inay laba sannadood oo "A" level ah ay soo dhigtaan iyaga oo ku soo takhasusaya laba ama saddex maadadood.
Maadadahaas oo khuseeya gogol xaadhna u ah cilmiga ay ardaydu doonayso inay ka bartaan jaamacadaha.

Imtixaanka "A" level-ka waxa ardayda laga qaadaa dhamaadka sannad dugsiyeedka labaad, iyada oo saddexda bilood ee ugu dambeeya sannad dugsiyeedka dambe ka hor intaanay imtixaanka u fadhiisan tababar wanaagsan lagu siiyo imtixaanadii sannadadii ka horeeyey la qaaday, taas oo u sahasha inay buuxiyaan shuruudaha imtixaankaasi leeyahay.
Imtixaankani, wuxuu dhaqan u yahay waxbarashada dalka UK, taas oo Jaamacadaha dalka UK ay aad u xurmeeyaan shahaadada "A" level.

Haddaba, waxbarashada "A" level ee Dugsiga sare ee Sheekh lagu kordhinayaa waxay fursad weyn siinaysaa ardayda dhigata Dugsigaasi inay kaalmo waxbarasho (Scholarship), Jaamacadaha UK ka helaan, haddii ay imtixaanka ku gudbaan heerarka ugu sareeya ee grade "A".

Ardayda dhigata School-ka Sheekh oo marka hore grade sare school-lada dhexe ee wadanka kaga soo gudbay ayaan rajo weyn ka qabaa inay waxbarashada "A" Level-ka kaalin sare ka geli doonaan, gaar ahaan tartanka imtixaankan "A" level ee international-ka ah (Caalamiga ah).
Waxaanan qabaa in lagu qiimayn doono tayo wanaaga ardaydeena, taas oo laga yaabo inay fursado badan oo waxbarasho iyo xidhiidho ay jaamacadaha dunidu inala soo sameeyaan soo kordhiso”.

Top


Shirgudoonka Cusub Ee Golaha Wakiilada Oo
La Wareegay Xilkii
“Weli Madaxdii Axsaabtu way hadlayaan, waxa jira
maalmo la aamuso ama hadalka hoos loo dhigo”
Gudoomiyaha Guurtida

“Shantaa sanno ee idiin bilaabmayaa maalintay dhamaadaan
ayeynu isku eegi doonaa waxa uu golahayagii qabtay iyo waxa
uu golihiinani qabtay,” Qaybe

“Labada xildhibaan ee dumarka ah wax weyn baanu ka siin doonaa” Cabdicasiis Samaale,
Hargeysa, December 9, 2005 (Haatuf) – Golaha cusub ee wakiilada Somaliland ayaa xilkii kala wareegay golihii hore ee wakiilada shalay.

Golaha cusubi waxa ay xilka kula wareegeen xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo shalay lagu Araweelo Restourent ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadan waxa ka soo qayb galay shirgudoonkii golihii hore ee wakiilada, mudanayaal ka tirsanaa baarlamaankii hore, Komishanka Doorashooyinka, xubnaha golaha wakiilada cusub ee la soo doortay iyo shirgudoonkooda iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa munaasibadan ka hadlay gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada Axmed Max’ed Aadan (Qaybe).

Mudane Qaybe oo hadalkiisu dar-daaran iyo talo u badnaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii. “In yar oo tallo ah oo aan anigu halkan ka soo jeedinayaa, waxa weeye, runtii golihii hore muddo ayuu soo shaqaynayay, waxa uu u burburi waayey waxay ahayd marka u horeysa shirgudoonka oo mar walba midaysnaa iyo shirgudoonka iyo golaha oo marka ay isqabtaan ama iskhilaafaan ka heshiin jirey, tanaasulaad badana isku samayn jiray labada dhinacba, iyagoo markaasi eegaya danta qaranka, nabadgelyada iyo waxyaabaha horumarka ah ee aynu hiigsanaynay.

Golihiina cusubi maanta waxa bilaabaysaan hawsha shan sanno, illaahayna hayna gaadhsiiyee bal maalintaa aad dhamaysataan waynu isugu eegi doonaa, waxaanu qabanay iyo waxaad qabtaan. Waxaana idiin rajaynayaa in illaahay idinku guuleeyo gidiinba. Waxa ugu horeeya ee dardaaran idiinku gudibnayaa waxa weeye in waxa allaale wixii nabada khalkhal gelinaya laga ilaaliyo, waayo madaxweynihnii ugu horeeyey dawladii Somaliya Aadan Cade ayaa waxa halhays u lahaa dadkayga hadii aan waxay cunaan u waayey, ma nabad baan u waayay. Markaa nabadu waa aasaaska horumarka hadii aynu nabad sii adkaysano wax walba waynu ku gaadhi doonaa, markaa waxaan ku dardarmayaa nabadiina illaashada”.

Gudoomiyaha Komishanka Qaranka Axmed X. Cali Cadami oo isaguna munaasibadaa xilkalagula kala wareegayay ka hadlay, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa, “Anigu laba qodob ayaan ka hadlayaa, hawshii la soo qabtay way dhamaatay, dardaaranka lala dardaarmayo golaha baarlamaanka ee la soo doortayna waa mid markasta fiican, waxaan xusuusktaa 1986-kii baarlamaanku meertuu yaqaayo sidii ay qoladani uga waramaysay baarlamaanka anigu wakhtigaa waxaan ka so shaqaynayay dekedaha, markii dambena waxa la sameeyey urur la yidhaahdo ururka dekedaha Afrikada bari, waxaana loo sameeyey sidii dekeduhu ay hay’adaha caawimo ugaheli lahaayeen, waxa xoghayaha guud loo doortay nin Seaman la odhan jirey oo Itoobiyaan ah, wakhtigaana cadaawadii dhextaalay Somaliya iyo Itoobiya waynu ogeyn, anigoo Xamar ka imid iyo ninkaas oo Addis Ababa ka yimid, waxaan u qaatay in aniga kursigiiba layga qaaday, anigu guddiga fulinta waan ku jiraa, laakiin waxaa idhibayay ninka iga soo horjeeda ee xoghayaha guud loo doortay, isaga leftiisuna intaan calool xumo qabo labaded ayuu qabaa. Markii dambe ayuu ninkaasi igu casuumay Addis Ababa, waxaanu ogaaday inaanay jirin waxaanu isku haysnaaba, isku soo dhowaanshahayagu maalintaas oo bilaabmay, aniguna maalintii uu weftigiisu Muqdisho yimid ayaan anigunu si gaar u casuumay, marka laysku yimaado xaaladu way yar taag taagmaysaa oo axsaab baa dadku ku yara taraaraxay oo axsaab baa loo ficil tamay, maanta illaahay mahadii waxa ah maalin uu jawigu ka wanaagsan yahay ma jirto, waxaanan rajaynayaa inuu jawigu sidaa ku sii socdo oo aanay waxba iska bedelin”.

Waxa isaguna munaasibadaa ka hadlay gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu yidhi “Mar labaad waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa qolada UDUB ee madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, sababtuna waxay tahay kursigii golaha ee ay raadinayaan ayay gaadhi waayeen, ninka go’aan adag qaata uun baa libka leh, sidaasaan ugu celcelinayaa mahadnaqa ee wax kale ma jiraan. Qolana kamaanu hiilin, qolana umaanu hiilin, waxaanu doorbidnay inaanu maslaxada umada raacno, waa laga yaabaa qolada UDUB ee madaxweynaha iyo ku xgeenkooduba inay nala garamaan oo waa wax dhici kara, laakiinse hadii ay dawadii qadhaadhayd ee aanu hadhuubka ugu shubnay ee aanu u dhiibnay qaateen oo ay calooshooda ku sii daayeen way mahadsan yihiin”.

Gudoomiyaha golaha guurtidu isagoo ka hadlay distoorka qaranka waxa u sheegay in distoorka qaranka ay ku jirto qabyo dhinaca tafsiirka ah, isagoo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waku Total berigii laysku qabtay dhinac looma kala dhicin, waa layskaga aamusay uun qolo waliba xuduudka ay leedahay laysma qabadeen, waynu ogayn xeerkii ay baarlamaankani ku yimaadeen wixii dhibaato ka dhacday, waar yaadha xeer nidaamiyihii lagu kala bixi lahaa wuu maqan yahay, Ibraahim Dhaadheere anigoon waxbva odhanayn, hadana wax xeer ah ayaan jirinba, waxaana la yidhi kulanka ugu horeeya waxa hogaaminaya mudanaha ugu da’da weyn, xaguu u saaraa, hadii uu heli lahaa processure uu raaco, waxaniba may dhaceen, waa arrimaha inoo yaala ee u baahan inaynu fasirno.

Xildhibaanadiina golaha baarlamaanku idinku imtixaankii waad gudubteen eek ii golaha golaha guurtida maxaa laga yeelayaa isna wuu ina hayaaye. Xeer baa jiray muddo dheer yaalay golaha wakiilada, waana laga war-wareegay kana waxabu ka adagyahay kii aad ku timaadeen, kan waxaa laysku hayaa ma doorashaa ma xulashaa, sannadkiina laba bilood baa tegaya wax dambe oo laga war-wareegayaa ma jiro, xeer dambe oo khaanada la gelinayaana majiro, waa arimaha qabyada ah ee idiin yaala golihiina cusub.

Gudoomiyaha isagoo la hadlaya gudoomiyayaasha axsaabta mucaaradka waxa uu yidhi “Weli waad hadlayseen axsaabtiinu, maalmahaas oo kalena waxay ku wanaagsan tahay in la aamuso ama hadalka hoos loo dhigo, hadii marxalad xasaasiya la soo maro Maraykanku wuxuu siiyaa madaxweynaha 100 maalmood laba ilaa saddex Todobaad erayga xajiinta iyo naqdiga leh dib u dhigta intay waxani degayaan ama raasuqayaan”.

Isagoo ka hadlaya golihii hore baarlamaanka waxa uu sheegay in golahaasi ahaa mid xilkiisa gutay, waxaanu yidhi, “Anigu wxaan ka mid ahaa ragii heeraamayay ee odhan jiray waa niman tuug ah, laakiinse waxay ahaayeen rag xilkoodii gutay. Cid kastaana dhaliil way leedahay.
Gudoomiyaha golaha wakiiladana hadii aan eray ka yidhaahdo Qaybe horta nin oday ah oo reer ugu weynaa 8 sannadood waxay ila tahay wax qabyo ah oo ku hadhay ma jirto, runtii golaha uu hogaaminayayna waa ka qaylo iyo qooq badnaa kaan hogaaminayo anigu. Haddaba, Qaybe waa inla joogaa, waana oday adeeg farabadan umada ku leh, markaa isaga qudhiisa wixii laga yeeli lahaa way inoo taalaa”.

Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo munaasibadaa ay xilka kula wareegeen kahadlay ayaa wuxu ugu horeyn u mahad-naqay gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo uu sheegay inuu muddo dheer madax u ahaa, isla markaana ay saaxiib ahaayeen.. gudoomiyuhu waxa kale oo uu mahad-naq u soo jeediyey golaha guurtida iyo guddiga komishanka qaranka.

Gudoomiyaha golaha wakiilada waxa uu sheegay inay gaadhsiin doonaan jimciyada quruumaha ka dhexaysa, ururka midowga yurub, midowga afrika, jaamacada carabta iyo dwladaha deriska ahba inay Somaliland buuxisay shuruudihii aqoonsiga. Waxa kale oo uu sheegay inay ka hawl-geli doonaan sidii ay dalka u maal-gashan lahaayeen dawladaha shisheeye, taas oo uu sheegay inay shuruucda maalgashiga khafiif ka dhigi doonaan, si ay shacabku shaqo uga helaan. Waxa kale oo uu sheegay inay si fiican ula wada shaqayn ula yeelan doonaan golaha guurtida iyo hay’adaha kale ee qarankaba, taas oo uu sheegay xilka ay wada qaadeen inuu yahay sidii ay shuruucda iyo distoorka u wada ilaalin lahaayeen.

Waxa kale oo isaguna xafladaa ay xilka kula kala wareegeen shirgudoonka golihii hore iyo shirgudoonka golaha baarlamaanka cusub erayo kooban ka soo jeediyey xoghayihii hore Mr. Maxamed Xuseen Mu’adin, Md. C/qaadir Jirde iyo laba xubnood oo ka tirsan baarlamaanka, gudoomiye ku xigeenka komishanka qaranka, kuwaas oo dhamaantood ka waramay marxaladihii uu soo maray golihii baarlamaanku.

Top


Kooxda Degmada Xudun oo Ku Guulaysatay
Koobkii Tartanka Degmooyinka Gobolka Sool

Caynabo, December 9, 2005 (Haatuf): Tartankii Ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Sool ayaa Salaasadii toddobaadkan lagu soo gabogabeeyay Garoonka kubadda cagta ee Magaalada Caynaba, waxaana koobkii tartankaas ku guulaysatay kooxdii ka socotay degmada Xudun, kadib markii ay 1-0 kaga adkaatay kooxdii ka socotay degmada Laas-caanood oo ay ciyaarta kama-dambaysta ah isugu soo baxeen.

Tartankan Ciyaarayaha Degmooyinka Gobolka Sool oo 3-dii bishan December ka furmay magaalo-madaxda labaad ee gobolka Sool, Caynaba, waxaa ku tartamayay afar kooxood ka kala socday Degmooyinka Laascanood, Taleex, Caynaba iyo Xudun. Ciyaaraha tartankaas oo ahaa kuwo hal mar ah lays arkayo ayay afarta kooxood wareegii hore isu arkeen sidan: Caynaba iyo Xudun, waxaanay ku dhamaatay 0-1 ay kooxda Xudun ku adkaatay, ciyaartii labaad waxaa iskaga horyimi Laas-caanood iyo Taleex, waxaanay waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaartu ku dhammaaday barbardhac 0-0, waxaana loo dhigay labada kooxood rigoorayaal, kaas oo ay kooxda Laas-caanood kaga badisay kooxdii Taleex, sidaasna ay labada kooxood ee degmooyinka Xudun iyo Laas-caanood ku yimaadeen ciyaarta kama-dambaysta ah.
Munaasibadii lagu xidhayay tartankaas ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Maxamed Siciid, Gudoomiyaha Gobolka Sool, Maayarka Degmada Caynaba iyo Gudida qaban Qaabada oo iyagu Tartanka Maamulayay Mudadii uu socday, waxaanu Wasiirka Ciyaaruhu halkaas koobkii tartanka degmooyinka Sool ku gudoonsiiyay ciyaartoydii kooxda degmada Xudur.

Wasiirku hadal uu halkaas ka jeediyay waxa uu ku amaanay Ciyaartoyda Degmooyinka ka qayb-galay tartankaas, isagoo ku amaanay sida fiican ee ay u dhaqmeen muddadii uu socday tartankaasi, waxaanu Wasiirku sheegay in ciyaaruhu yihiin is dhexgalka bulshada, door wayna ay ka ciyaaraan sidii ay isu dhexgeli lahaayeen Bulshadu.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Maayarka Degmada Caynaba oo ah Degmada Martigelisay Tartankaas Koobka Degmooyinka Gobolka Sool.
Sidoo kale Gudoomiyaha Guddida Qabanqaabada Ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Sool Cumar Qoobnaaji oo ah Agaasimaha Waaxda Dhalinyarada ee Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada, ayaa sheegay Ciyaaruhu u dhaceen si fiican oo nabadgelyo ah isla markaana ay ahaayeen ciyaaro isu soo dhaweynaya Degmooyinka Gobolka Sool uu ka kooban yahay iyo shacabka ku dhaqanba.

Top


Ururka Somaliland Societies In Europe (SSE)
Wuxuu Hambalyaynayaa Shirgudoonka Gollaha
Wakiilada, Odayaasha Guurtida Iyo Madaxweynaha

Ururka SSE ee xidhiidhka jaalliyadaha Yurub waxa uu ugu horeyntii hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa shirgudoonka cusub ee gollaha wakiilada ee sida distoorka waafaqsan loogu soo doortay kullankii mudanayaasha wakiiladu ku yeesheen xarunta Guurtida.

Sidoo kale waxaanu hanbalyo u diraynaa odayaasha gollaha Guurtida ee isku xilqaamay una tafo xeytay dhexdhexaadinta labada dhinac, taasi oo Illaahay ku guuleeyay inay soo afjaraan xurguftii dhinaca sharciga ahayd ee ka dhalatay doorashadii shirgudoonka wakiilada. Waxaanu leenahay go’aan geesinimo leh ayaad qaadateen oo aad qarankiina mar kale kaga badbaadiseen khalkhal siyaasadeed oo soo food saaray, taariikhda ayaana idin xusi doonta. Waxa kaloo aanu soo dhawaynaynaa aqbalaada Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu ku aqbalay go'aankii gollaha guurtida.

Xildhibaanada 82-ka ah ee ku guuleystay tartankii doorashada gollaha xeer dajintana waxaanu Illaahay uga baryaynaa inuu u fududeeyo hawsha ay dhabarka u riteen, anagoo xasuusinayna hal-ku-dhigii ahaa “Nin xil qaaday eed qaad”. Haddaba waxa la idiinka fadhiyaa in aad ka soo baxdaan masuuliyada ummadda aad u qaadeen, tusaalena u noqotaan jiilalka danbe ee soo koraya maadaama aad tihiin mudanayaashii u horeeyay ee shacbiga reer Somaliland si xor ah u soo doortaan taariikhda cusub ee Somaliland.

Waxa hubaala gole xooggan oo si xirfadaysan u shaqeeyaa inay ku xidhantahay aqoontiina, kartidiina, daacadnimadiina iyo weliba mas’uuliyadiina. Xildhibaanada cusub waa kuwo aanu aad ugu hanweynahay oo aanu uga fadhino inay la yimaadaan wax aad uga duwan waxyaabaha looga bartay qaar badan oo ka mida golayaasha Afrika ka jira. Golaha wakiilada cusub waxa lagu tilmaami karaa waa ama xilli cusub oo u dhashay ummadda reer Somaliland. Waxaanu u rajaynaynaa inay bilaabi doonaa dariiq hor leh oo ku salaysan dimuqraadiyad, nidaam hufan oo aan daah saarnayn, kala dambeyn maamul, is-ixtiraamid haba la kala rayi duwanaadee iyo weliba xisaabtan.

Doorshada gollaha wakiilada ee dalka ka dhacday waa dhamaystirkii dimuqraadiyada Somaliland, waana guulweyn oo dadkeena iyo dalkeenuba gaadheen. Waxaana hubaala in ay muujinayso horumarka muga leh ee Somaliland ka gaadhay dhinaca dimuqraadiyada. Ugu dambeyn waxaanu idiin rajaynaynaa in Ilaahay idiin fudeydiyo xilka iyo mas’uuliyada culus ee aad dhabarka u ridateen (Aamiin). Allaah Mahad leh.

Somaliland Society in Europe
For further information please contact the following SSE members across Europe:
Website: www.sse4.com
Email: info@sse4.com
Great Britain:
Guddoomiye Eid Ali Ahmed - Tel: 029 2043 2972 Mobile: 07971531761
Xoghaye Abdulkadir Macaalesh - Tel: 01204535093 Mobile: 07984142942
Mohmed Bashe - Tel: 02077906611
Khader Hassan - Mobile: 07961131014
Belgium
Mohamed Aburahman Hussein ‘Jacket’- Tel: +32 32721095 Mobile: +32 484506644
Abdirahman Omer Farah‘Ciro’ - Mobile: +32 484639812
Denmark
Mohamed - Amin Siyad - Mobile: +45 26239485
Finland
Dr Mohamud Mohamed Abdillahi - Tel: +35 8 34 671 4929 or +35 8 9310 62673
France
Halimo Yusuf - Mobile: +33 6 24577093
Mohamed Hassan - Tel: + 33 478800575 Mobile: + 33 6 99669169
Abdurahman Yassin - Tel: + 33 5 59828841 Mobile: + 33 6 89831266
Germany
Mohamed Saad - Tel: + 49 2 235929245 Mobile: + 49 1 6092356044
Holland
Dr Hussein Abdillahi - Tel: +31 302613448 Mobile: +31 624169852
Italy
Dr Jama Muse Jama - Mobile: +39 3389679505
Norway
Saeed Farah: 47 98838582
Jama Ali - + 47 67415793 Mobile: +47 95232157
Sweden
Hussein Wadadyare - Tel: + 46 34684523
Ali Sugaal - Tel: + 46 34680167

Top


Khilaaf Ka Dhex Aloosmay Xubnaha
Xisbiga UDUB Ee Togdheer

Burco, December 9, 2005 (Haatuf) – Waxa beryahan dambe uu khilaaf ba'ani ka dhex taagnaa masuuliyiinta xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer, khilaafkaas oo sida ay sheegeen qaar ka mida xubnahaasi waxa uu ahaa mid la kowsaday waqtigii doorashada golaha wakiilada lagu jiray.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Burco, Axmed Aadan Yuusuf, waxaa khilaafkaasi markii ugu horeysay uu soo shaac baxay markii 30/11/2005 ay xubno ka mida xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer, ay soo saareen qoraal ay xilkii kaga qaadayaan gudoomiyihii xisbiga ee gobolka, Maxamed Xasan Bede, kadib markii ay ku eedeeyeen in aanu xisbigaba daacad u ahayn ee uu lugta hayo una soo jiiday guuldarro ay sheegeen in ay la kulantay xisbiga waqtigii doorashada wakiilada, waxana ay waqti kooban oo saddex maalmood ah u qabteen in uu xilka ku wareejiyo iyada oo waqtiga ay u qabteena ku ekayd 3/12/2005, balse 8/12/2005 ayaa waxa qoraal ay ku gacan saydhayaan qoraalka hore ee ay xubnaha UDUB soo saaray xubno kale oo UDUB ka mida, waxaanay Waxaan suuroobayn ku tilmaameen xil ka qaadida xubnaha hore ee UDUB, gudoomiyaha xisbiga gobolka Mr Maxamed Xasan Bede oo ay ku sheegeen in uu isagu yahay gudoomiyaha sharciga ah.

Waxana qoraal ay Wargeyska Haatuf soo gaadhsiiyeen oo ay ku saxeexan yihiin toban xubnood, Ogeysiin-na siiyeen gudoomiyaha xisbiga ahna Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo xog-hayaha guud ee xisbiga, kuna taariikhaysnaa 8/12/2005 uu u qornaa sidan: "Xubnihii 30/11/2005 qoraalka soo saaray waxa ay ahaayeen Xubnahaasi kuwo ka cadhooday Magacaabida gudida waaxaha ee gobolka ee xisbiga UDUB, anaga oo tix-raacayna warqadii ay qoreen xubnahaasi ee ay ku sheegeen in ay ka wareejiyeen xilkii gudoomiyihii xisbiga ee gobolka Togdheer, Maxamed Xasan Bede, waxa aanu sheegaynaa in aanu waxba ka jirin warqadda xilkana gudoomiyaha iyagu kama qaadi karaan ee waxa lagu soo magacaabay wareegto Madaxweyne, isaga ayaana ah gudoomiyaha sharciga ah ee gobolka Togdheer, ilaa amar dambe ka yimaado gudoomiyaha xisbiga UDUB."

Arrintani waxa ay daaha ka qaaday is haysasho beryahanba ay dadku isla dhex marayeen in ay dhexdooda iska haystaan xubnaha UDUB ee gobolka Togdheer, balse xantaasi hadda ka hor waxa ay ahayd mid qarsoon oo aan dibedda u soo bixin.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Mustaqbalka
Dhalinyarada Somaliland Waa Mid Mugdi Ah!

Marka hore waxaan salaamayaa shacabka reer Somaliland gaar ahaan dhalinyarada.
Tan iyo markii ay Somaliland madaxbanaanideedii kala soo noqotay dawladii hore ee Soomaliya 1991kii, dalka waxa ka bilaabmay horumar la taaban karo, gaar ahaan xaga siyaasadda oo ay Somaliland gaadhay wadana u jeexday wadama soo koraya iyo kuwa afrikaba, Somaliland waxay maanta aduunka kaga jirtaa baal dahab ah oo Afrika inteeda badan looga baran iyadoo aan waliba haysan aqoonsi caalami ah, kadib markuu dalku soo maray doorashooyin badan oo ay ku dheehan tahay dimuqraadiyad iyo cadaalad, taasina waxay markhaati cad u tahay nabada ay Somaliland ku nooshahay.

Si kastaba ha ahaatee waxa jira dhalinyaro aan ku faraxsanayn horumarkaasi, waxa is waydiin leh waa maxay sababtu? Waxaynu ognahay in Somaliland samaysay horumar la taaban karo laakiin waxa jira dhaliilo farabadan oo ay tabanayaan dhalinyardu, burbur laxaad leh ayaa soo gaadhay Somaliland laakiin dhibta ugu wayni waxa ay ku dhacday dhalinyarada iyagoo waayay kaabigii waxbarashada oo ku filan inkasta oo ay jiraan jaamacado wadanka ku yaala oo sababay in ay dhalinyaro fara badan wadanka ku soo nagaado, jaamacadaha dalku waxa ay noqdeen faa'iido u soo koradhay dalka balse ma dabooli karaan baahida dhalinyarada.
Dhalinyarada Somaliland waa kuwo maskax badan laakiin waxa dilay maskaxdooda fikir fara badan oo ka haysta xaga nolosha, maxaa yeelay iyada oo ay jiraan dhibaatooyin ka haysta xaga dhaqaalaha isla mar ahaantaana aanay jirin choices fara badan oo ay ku dooran karaan waxa ay jecelyihiin ardaydu inay barato hadaan nahay dhalinyarada mar walba waxaan ka fikirnaa sidaan wax ugu qaban lahayn waalidiintayada iyo wadankayagaba, laakiin maxaanu wax u qabanaa nafahayagii ayaanu wax u qabanla'nahaye. Waxa jira dhalinyaro fara badan oo intellegentgoodu aad u sareeyo haddii maskaxdooda laga faa'iidaysan lahaa ay suura gal ahaan lahayd inay aduunyada wax ku soo kordhin lahaayeen, laakiin nasiib daro haddii ay helaan waxa ay facultiga ay jecel yihiin ma helaan dhaqaale, hadday dhaqaale helaana m ahelaan facult-gii ay rabeen. Waxa jirta arday fara badan oo dhamaystay jaamacadaha dalka oo makhaayadaha shaaha lagu cabo ka sheekeeya, halka kuwa kalena ay ku jiraan jeelalka waalida. Waalidiintayadu wax ay ku dadaalaan sidii ay ubadkooda horumar u gaadhsiin lahaayeen, iyaga oo wax walba u samaynaya, laakiin hadaan dhalinyaro nahay uma jeedno inaan abaalkoodu gudno.

Si kataba, wadan kasta horumarkiisa waxa lagu gadhaa inta dhalinyaro ah ee u shaqaysa dawladda balse Somaliland ma tahay wadan dhalinyarada shaqaysaa ay ka badan yihiin dadka kale? Jawaabtu waa maya. Shaqadii loogu talagalay inay dhalinyaradu qabato waxa haya oday awoowgood la da' ah, waxaan Illaahay ka baryayaa inuu siiyo awoowyaasheen waxa ay ku nastaan dhalinyaradana siiyo shaqadii ay soo barteen.

Ugu dambayn dhibaatooyinka haysta dhalinyarada waxa ay sababeen in ay dhalinyarada ku beeraan wal-wal iyo fikir badan oo aan dhamaanayn kaas oo sababay in ay dhalinyaradu wadanka ka haajirto, waa laga yaabaa in dhalinyarada qaarkood ay si khaldan u arkaan fikirkayga balse xaqiiqdu waxay tahay in mustaqbalka dhalinyaradu uu yahay mid liita oo aan la taaban karin. Hadal badani haan ma buuxshee, dhalinyarooy waxaa laynalooga baahan yahay inaynu tashano oo aynu mustaqbalkeena meel saarno si aynu dadkeena iyo dalkeenaba u horumarino.
Sidaa iyo rajo wacan
C/Casiis Sh. Faarax, Boorama, Somaliland
casiisb52@hotmail or yahoo.com

Top


Ma Doonayo Inaan Dhagar Galo,
Waxaanse Doonayaa Dhiigii Inankayga

10-kii March, 2002, ayaa waxa isku dhacay laba beelood oo reer Awdal ah, kuwaas oo kala ah reer Nuur iyo Maxamed Case (Samaroon). Labadii beelood mid ka mid ayaa Inankaygii C/qaadir Daahir Cismaan mooday inuu beesha kale yahay (Maxamed Case), marxuumkaa waxa dilay nin magaciisa la yidhaahdo Maxamed Cilmi Shirdoon. Wuxuuna ku dilay Boorama 10/3/02 abaaro 12:00 duhurnimo, baas ayuu dhabarka ka qabadsiiyey, halkii baanu ku dhintay, lama soo qaban markaa oo u maalintaa dhacay dagaal dhexmaray labada beelood, kuwaas oo iska dilay 3 qof.

Waxa ku baxay golaha guurtida iyo golaha wasiirada. Afarta qof e dhintay ayaa la kala xukumay, kuwaas oo inankaygu ku jiro, waxaana ninkiiba la xukumay 100 halaad oo socda, laguna bixiyo afar bilood, waxaana inankayga magtiisa la saaray reer Nuur 100 halaad, qoraalkaana waxa lana siiyey 15/4/05, taas oo ay ahayd inaanu magta doonano 15/9/05. Laakiin markaan aniga iyo dadkii dhiiga lahaa u tagnay, waxa la yidhi mag idiinma hayno, iyaga oo intaa ku daray arrintan reer Nuur-ba iskama arag. Dabadeedna waanu iska soo noqonay.
Dacwad baan golaha guurtida ka bilaabay 8/1/05, waxaanan u sheegay in qoraalkoodii socon waayey. Ka dib wasiirka arrimaha gudaha ayay qoraal iigu qoreen ay kaga codsanayaan in la fuliyo, iyaga oo ogeysiina siiyey Madaxweynaha. Qoraalkii baan ula tegay, si wanaagsan baanu ii qaabilay wasiirka arrimaha guduhu, waxaanu I weydiiyey ma garanaysaa cidii dishay inankaaga, ninkii dilay baan u sheegay, wasiirkuna warqad buu u qoray taliyaha bileyska gobolka, badhasaabka gobolka oo uu leeyahay gacan ku dhiiglaha ha la soo qabto, waxaan ku daray warqad taliyaha bileysku raaciyey, waxaanan la tegay gobolka, waxaana la soo xidhay 3/4/05. ka dib wasiirku taar buu soo diray uu ku amrayo magta ha loo kala qaado 45 maalmood gudahood. Markii 45 maalmood dhamaadeen awooda badhasaabkaa lagu sii daayey, halkaanan ka tegay, waxaanan idhi maxaa loo sii daayey, waxaana la iigu jawaabay maxaa kaa galay, waxaanay ii sheegeen been oo waxay igu yidhaahdeen wasiirka arrimaha gudahaa sii daayey, waxaanan idihi taarkii uu wasiirku ku sii daayey I tusa, laakiin imay tusin, taasi oo been ahayd waqtigaas oo ahaa 30/7/05.

Wasiirka arimaha guduhu markuu maqlay taar degdeg ah ayuu u diray uu ku amrayo in la soo xidho 1/8/05.

Intaa ka dib qoraal baan u qoray badhasaabka kaga codsanayo in la ii soo xidho gacan ku dhiiglaha, waxaan ugu daray haduu sidaa samayn waayo inuu isagu godobtii qabo, ka dibna badhasaabku, ha la soo xidho ayuu yidhi, waxaana i soo xidhay taliyihii saldhiga Boorama, oo gurigayga iga soo qaaday, isagoo igu yidhi taliyaha qaybtaa ku doonaya. Taliyaha qaybta markii la ii geeyey wuxuu I weydiiyey qoraalkan ma adaa qoray, haa baan idhi. Waxaanu igu yidhi waad xidhan tahay, waanu xidhay, waxaanan xidhnaa 24 saacadood.

Haddaba, anigu ma doonayo inaan dhagar galo, waxaanse doonayaa dhigii inankayga xukumada waxaan ka codsanayaa inay go’aankeeda fuliso, isla markaana reerkii dilay inankayga ay ka qaado dhiigii inankayga.

Daahir Cismaan Dugsiiye, Askari Ka Tirsan CNW.

Top


Dalku Waxa Uu U Baahan Yahay
Wasiiro Tiro Yar Oo Tayo Fiican

Waxa la soo gaadhay xiligii dalka loo samayn lahaa dawlad leh wasiiro kooban oo xul ah, sidaa daraadeed, waxa Madaxweynaha dalka Mudane Daahir Rayaale Kaahin la gudboon in uu si degdeg ah u sameeyo Wasiir cusub oo la jaan-qaadi kara Golaha Wakiilada ee la soo doortay.
Tan iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda, waxa dalka siyaasadda iyo maamulkaba u hayay dad lagu soo xulay hab-beeleed oo aan inta badan lahayn aqoon iyo waayo-argnimo ay wax ku hogaamiyaan, taas oo keentay in aanay Somaliland ku talaabsan hor-u-markii laga rabay ee ku saabsanaa xagga adeegyada bulshada sida caafimaadka, wax-barashada iyo adeegyada kale, xataa dalka looma samayn Idaacad wada gaadha.

Kadib Shirkii Boorama ee dib-u-heshiisiintu uu dhammaaday, waxa ay dadweynaha reer Somaliland filayeen in ay helaan dawlad leh wasiiro kooban oo aqoon leh, laakiin Alle ha u naxariisto eh Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo shirkaa loogu doortay in uu dalka madaxweyne ka noqdo ayaa markii uu soo dhisay Golihiisii Wasiirada dadka ugu khudbadeeyay in uu Golihiisan wasiiradu yahay “Xal ee aanu ahayn Xul”, taas oo dadka intiisa badan ku riday niyad-jab. Laakiin dad badan ayaa uga garaabay oo u arkayay in wali dalku ku jiro habkii beelaha oo ay beelwaliba doonaysay in ay wax ku yeelato dawladda.

Dedaal badan oo ay shacbiga reer Somaliland sameeyeen, ayaa keenay in dalka distoor loo sameeyo, si loo helo dawlad la soo doortay oo dadk u shaqaysa. Markii la dhamaystiray distoorkii, waxa dalka laga sameeyay saddex Xisbi Qaran oo u tartamay doorashooyinkii dalka ka qabsoomay. Waxa uu dalku yeeshay Dawlado Hoose oo la soo doortay iyo Madaxweyne iyo Madxweyne-ku-xigeen si nadiif ah ay dadweynuhu u soo doorteen. Waxa geedi-socodkii dimoqraadiyadaynta xukunka lagu soo af-jaray doorashadii Golaha Wakiilada ee qabsoontay 15kii September 2005ta, ee ay u tartameen saddexda Xisbi Qaran ee kala ah UDUB, UCID, iyo KULMIYE.

Waxa inoo dhashay Gole baarlamaan oo ay dadka intiisa badani isku raacsan yihiin in mudanayaasha ku jiraa ay yihiin qaar leh aqoon ay dalka ugu dejiyaan sharciyadii lagu maamuli lahaa. Waxa golahan cusub looga baahan yahay in ay dhammaystiraan wixii sharciyo ah ee qabyo ah iyo in ay si adag u xakameeyaan lana xisaabtamaan xukuumadda iyo wasiiradeeda.
Haddaba mar haddii aanu xisbiga dawladdu lahayn aqlabiyadda Golaha Baarlamaanka, waxa inta goori goor tahay la gudboon Madxweyne Daahir Rayaale in uu ku dhaqaaqo samaynta Gole Wasiireed kooban oo ku dhisan aqoon iyo waayo argnimo. Waxa Daahir Rayaale la guboon in uu wasaaradaha faraha badan ee imika jira looguna talo galay in lagu maslaxo beelaha si ay UDUB u hesho taageerada beelahaasi la baabi'iyo oo iyada oo la eegayo maslaxadda guud la soo koobo wasaaradaha uu dalku leeyahay. Waxa kale oo Madxweynaha ku waajib ah in uu baabi'iyo waxa loogu yeedho “Wasiiru-Dawle”. Dalkeena marka la eego marxaladda aynu ku jiro Wasiirka ayaa inagu badan, markaa looma baahna wax la yidhaahdo wasiiru-dawle. Waa in uu Madaxweynuhu wasaarad walba u sameeyaa Agaasime Guud oo aqoon iyo Khibrad leh lana shaqayn kara wasiirka.

Haddii aanu Madaxweynuhu sidaa yeelin, waxa adkaan doonta wada shaqaynta loo baahanyahay in ay dhexmarto waaxda fulinta iyo waaxda sharcidajinta. Haddii ay sidaasi timaadana waxa uu dalku khatar ugu jiraa in ay fawda ka dhacdo oo la ansixin waayo waxa ay dawladdu soo hor-dhigto golaha wakiilada.

Waa in uu Madaxweynuhu ogaadaa baahida uu dalku u qabo wasiiro cusub oo dar-dar geliya hawlaha dalka, sidaa daraadeed waxa lagama maarmaan ah in uu hawsha ka fadhiisiyo wasiiradiisa hadda talada dalka haya. Wasiiradan waxa ku jira qaar aad moodo in ay jagada wasiirnimo u heleen dhaxal oo aan weli marnaba laga casilin. Wasiirada noocan ihi waxba dalka u soo kordhinmaayaan, sidaa daraadeed “Xilku waa meerto eh” dalka u samee Gole Wasiireed kaa mara oo ummadda wax u qabta lana shaqayn kara Golaha Baarlamaanka.
Abshir Cabdillaahi Xasan, Riyadh, Saudi Arbia
 

Top


“Kulu Fidna Cindal Guurti”

Guurtidu waxa ay dan mooday in ay marka ay Muxaafidka laba jeer ka qosliso, mar ka qosliso Mucaaridka si ay u sii waaraan una ekaadaan gole aan laga maarmi karin. Haddaba maanta waxa ay noqotay maalintii Mucaaridka ee bal aan eegno beri iyo sandanbe cida qosolka ku danbeysa.

Qaraarka ka soo yeedhay Guurtidu waa mid aan Distoorka ku saleysneyn sidaana waxa yidhi Gudoomiyaha Guurtida. “Annaga oo aan xeerin adeegsanna Dastuurka iyo qawaaniinta dalka u yaalla midnaba waxa aanu go’aminay in Shir Guddoonkii Xisbiyada Mucaaridku doorteen 29 November aan waxba laga bedelin” sidaa waxa yeedhi gudoomiyaha Golaha Guurtida. Dad badani waxa ay u arkeen dhawaaqa ka soo yeedhay Guurtida guul u soo hoyatay Somaliland, aniguse waxa aan u arkaa qaraar aan ku dhaclaheyn oo ka warwareegay runta kuna saleysan kani gar leh kana gar leh "hase yeeshee maanta muxaafidka ayaanu nidhi duco qaado mar haddii aanu maalintii hore (Doorashadii Madaxweynaha) ka hiilinay Mucaaridka ileyn libaax raq laba jeer lagama wada kiciyee" sidaa waxa laga soo weriyey Xaaji Cabdi Waraabe. Taasi guul ma aha ee waa guul darro.

Waxa guul u ahaan laheyd Somaliland maanta iyada oo Maxkamadu ku dhawaaqda in doorashadii 29 November ay u dhacday si sharci ah. Taa haddii la waayey waxa iyana guul ahaan laheyd Guurtida oo tidhaahda sidii doorashadii Shir Gudoonku u dhacday 11/29/05 waxa ay aheyd mid Distoorka waafaqsan. Taasina ma dhicin. Sida ka soo yeedhay Guurtida waxa weeye si aan sharciga waafaqsaneyn ayaanu ku soo goynay. Taasina guul ma aha
Calool adeyg waa wehel ILLAAH. Iyada oo laga war qabaa in Maxkamadda Sare aanay aheyn mid madax banaan oo ay tahey mid hadba Madaxweyne Rayaale u sharciyeysa wixii uu isagu haweysto iyada oo iyana laga warqabaa in Golaha Guurtidu uu yahay mid u qabaana xukuumada Rayaale oo la odhan karaa waa labba daran kala dooro, lay yidhi haddana Mucaaridku waxa ay aheyd inuu ku adkeysto Maxkamadda in laga dhursugo. Taasi may dhicin waxa ay yeeli lahaydna ALLAAHU aclam laakiin waxa ay ka marag kacaysaa in dhexdhexaadis Distoorkii laga door biday Mucaaridkuna calool adeyg la iman.

Xisbigii iyo Madaxdii Distoorka jebisay ayaa ku manna sheeganaaya in ay wadanka badbaadiyeen. Taasina Guurtida ayaa ugu wacan. Madaxweyne Rayaale waxa uu BBCda ka yidhi qaraarka Guurtidu waxa uu ahaa mid sharci daro ah, “Sifa kasta oo sharci daro ihi ha ku jirtee waanu ka tanaasulnay” Waxa kale oo uu Guurtida ku yidhi waxa aad u hiiliseen Mucaaridka. Maxay kula tahey inay iyaguna ugu jawaabeen, “waa runtaa ee duca qaado oo Madaxweyne maanta naga aqbal in kasta oo aanay daw aheyn”. Ileyn ma odhan karaan Distoorka iyo qawaaniinta ayaanu ka shidaal qaadanay iyaga oo hadalkoodii ku bilaabay maannu xeerin manaannu u adeegsan Distoorka iyo qawaaniinta dalka u yaala. Halkaa waxa laga dheegan karaa inay leeyihiin Madaxweynow Distoorku adiga ayuu kula jiray haddana waanu ka hiilineynaa ee naga aqbal. Taasi waa nasiib daro, waayo wixii foosha xumaa ee ay UDUB ku kacday kol walba Distoorku wuu ka soo horjeeday. Iyaga oo guurtidu kaga dhigay bacaluul is qaaday oo markan ku adimay xaq haddana waxa wiiqay iyaga oo ku saleeyay duco qaado amaba ciradayada ka xishood.

UDUB Waxa ay ku kacday wax laga xishoodo wadankana qalalaase u horseedi kara. Waxa xusid mudan in ay doorashadii baarlamanku ku doortay Shir Gudoomiye iyo laba ku-xigeen 11/29/05 ay aheyd markii ugu horeysay ee UDUB lagaga reeyay doorasho siyaasi ah. Haddaba marka laga shidaal qaato sida Rayaale iyo UDUB u daadafaysay natiijadii waxa laga sii dardaar werinayaa waxa Rayaale iyo UDUB ay ka yeeli doonaan marka laga badiyo ta Madaxweynaha. Dhalinyarada ayaa marka ay kubadda wada ciyaarayso ayaa marka qolada uu mid xoog weyni ku jiro marka laga horeeyo amaba laga badinaayo uu ka xoog weyni kubadda iska qaato iyada oo aan ciyaartii dhamaanin. Taasi waxa ka dhigan UDUB iyo xukuumada Rayaale oo markii ay arkeen in laga badinaayo ay makarafoonadii qaateen laydhkiina bakhtiiyeen shirkiina ka dareereen ka bacdina ku andacoodeen nalagama badin sidii caruurta. Tani galbatay ee waxa aan ka sii qeylinayaa waxa soo socda!

Nin Sigtay Ma Nabad Gelin. Ninka bakhti kaaga tagay ma in lagu amaanaa in aanu qudha kaa jarin. Somaliland teelo looma dhigan ee tii Allaay noqon. Haddaba waxa nasiib darro ah in kuwii Somaliland khatarta geliyay ee bakhtiga uga tegay lagu amaano in aanay nafta ka jarin. Madaxweyne Rayaale, Xildhibaan Ibraahim Dhaadheere, Xasan Cabdi Buuni, Cabdilahi Dheere iyo Madaxdii kale ee UDUB ee ka talisay iyo intii hirgelisayba in distoorka lagu tunto shaqada ummadana la xayiro in weliba iyagii lagu amaano tanaasul bay sameeyeen waa munaafaqnimo. Ninkii nacaska ahaa ee intuu lumay la soo helay waxa uu yidhi beriba waan lumi ee maxaa la igaga farxi. Somaliland inta Rayaale uu xukun qarqoosh ku wado khatarteeday leedahay ee ALLE ha u sahlo.

Somaliland Xukun xumida, cadaalad darida iyo dib u dhaca maanta ku yimid waxa iska leh Maxkamadda Sare, xeer ilaaliyaha iyo labbada Gole (Golaha Guurtida ee maanta dhisan iyo Golihii baarlamaanka ee wakhtigiisii dhamaaday) oo si eexasha ah iyaga oo dantooda gaar ka ah eegaya Rayaale Kursiga u saaray maantana uu weli Golaha Guurtidu u adeegaayo Xukuumadda Rayaale. Maxakamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha maalin kale ayaan ka faaloon ee maanta waxa aan isku koobayaa Guurtida.

Danta dalka iyo dadka ayaanu ka eegnay waxa sidaa tidhi guurtida. Maalintii ay Rayaale kursiga sareena waxa ay yidhahdeen danta dalka iyo dadka ayaanu ka eegnay. Maalintaasi Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) waxa uu yidhi la I odhan maayo kursi buu ku dagaalamay isaga oo waa la iga eexday iyo sharciga ma waafaqsana afkiisa ka dhawraaya ayuu u haneeyay. Maantana waxa uu Rayaale ku jawaabay waa u jeedaan. Gobonimada waa loo kala dhashay. Distoorka looma baahna mar haddii aan ka doorbidnay dhexdhexaadis. DHEXDHEXAADIS waa munaafaqnimo Somaliland dib ugu celin karta Boorama iyo goobtii laga soo unkay marka ay ugu wanaagsan tahay (at best) marka ay ugu xuntahayna (at worst) dhaxalkeedu noqon karo buutooy buuto wareen sida Xamar ka taagan.

Waxa aan ku soo gunaanadayaa “Kulu Fidna Cindal Guurti, Maxkamada Sare iyo xeer ilaaliyaha”.

Cali Guuleed, San Jose, CA

 


Ninowna Midnimo Danbe Haw Durbaan Tuman

Ayaan darada maanta Soomaali haysataa waa iyadoo kuwii ka danbeeyey burburkeeda ay weli midida daabka hayaan, kooxahan geed is mariska ah oo kolba ciyaarta sida dadku jecel yahay u metelaya ayaa waxay yihiin kuwo aanay marnaba ka soo go’in in ay dadkooda wax u qabtaan oo nabad ka dhex dhaliyaan, waxayse iska dhigaan kuwo ku daalay in ay wax qabtaan oo cid iyo ciirsi toona waayey oo talo ku cadaatay, markaasay iyagu is canaantaan oo midba midka kale eedeeyaa xaalkooduna wuxuu noqdaa habar dhali weyday aleelo ku waalatay,
Si ay u helaan qiil ay kursiga ku sii fadhiyaan dhamaan siyaasiyiinta hadda hormuudka u ah Soomaaliya way heshiiyeen, waxayna ku heshiiyeen in aanay weligood dhexdooda ka heshiin.
Mida ugu la yaabka badani waa iyagoo qabsaday tiroba shan iyo toban shir oo qaarkood sanado socdeen sida kii ugu danbeeyey ee Nairobi oo haddana aan mid keliya wax talaabo ah oo la taaban karo aan hore loo qaadin. Kaaga darane dawladii la dhisaaba waxay burburtaa iyadoo aan hal taaoo hore u qaadin markaasaa midba mida ka danbeysa tii hore lagu ilaawaa.
Caruurta ayaa ku googaalaysan jirtay; 'googaa xeradayadu waa wada ul oo ul la qaato malaha', miyaynu ku tilmaami karaa siyaasiyiinta Soomaalida sidaas ah, jawaabtu waa haa markaynu ka hadlayno Soomaali, laakiin haddaynu nidhaahno reer hebel maya lagama yaabo in aad hesho cid kuu garowda oo kugu raacda dhaliisha aad u soo jeedinayso hadba cida xilka haysa oo qabiilkiisa ah.

Qodobkan qabyaalada ayaa isna wuxuu ka mid yahay tabaha iyo xeeladaha ay isticmaalaan nimanka danaystayaasha ah ee ku xoogsada mihnada siyaasadda kuwaas oo aan weli gool dhalin muddo shan iyo toban sano ahna ku looltamayey gacan ku haynta awooda dalka. Haddaba waxaa la yaab ah oo u baahan in lays weydiiyo had iyo jeer haddii kubada cagta kooxi guul gaadhi weydo oo dibu dhac ku yimaado heerkeeda kooxeed, waxaa ugu horeyn la bedelaa tababaraha kooxda haddii waxba ka bedeli kari waayo dhaliilihii jiray, waa la eryaa waxaana la raadiyaa mid kale oo khibrad iyo waaya-aragnimo lagu og yahay haddii kaasina wax guula keeni waayo waxay talo ku soo ururtaa laba midkood; in kooxdii hoos u dhaadhacdo oo burburto iyo in ciiyaartoyga dhamaan la kala diro. Haddaba haddii la doonayo in la daba qabto kooxdaas waxay hantiilayaasha kooxdu go’aan ku gaadhaan in ciyaartoyda la kala diro oo ciyaartoy cusub la magcaabo. Hadda xaalka Soomaaliya waxaad moodaa sidaas kubadda cagta oo kale, imisa Madaxweyne ayaa iska bedelay oo midna aanu wax guul la yidhaahdo keenin kii yimaadaaba waa uga sii daraa, haddaba dadkana ma wuxuu doortay inuu weligii sidaas ku jiro oo hadba gacan aan u naxayni hogaanka u qabato.

Haddaynu si kale u dhignana haddii wiilka geel jiraha ee geela loo diraa uu isagoo dhamaystiran soo xerayn waayo saddex casho oo isku xigta waxaa laga joojiyaa raacistii geela waxaana loo diraa moosin kale oo aad uga hooseeya oo uu raacistooda hore uga soo gudbay iyadoo ganaax looga dhigayo.

Maxaa talo ah? Maxaa Soomaali la gudboon? Goorma ayey wax garanayaan? Goorma ayey qayrkood gaadhayaan? Khaladka ugu weyn iyo qalooca ilaa maanta cilinkiisa la saari la yahay, Soomaaliya wuxuu galay xili fog maaha in meel dhaw laga deydeyo iyo in loo nisbeeyo hogaamiyaal kooxeedyo iyo wax la mida, laakiin waa ka gun dheer yahay. Waaba intaas oo la helaa halka xadhigu ka guntan yahaye bal aan wax ka iftiimiyo xaaladda Soomaaliya ku sugan tahay maanta, waxaa sababay qalooc galay hogaankii sare xiligii xornimada la helay oo intaas isa soo tarayey korna u soo socday wuxuuna furka tuuray oo dherigii dabkii hayn waayey markii la gaadhay 1991, sidii maalintaas loogu kala dhaqaaqay waxa laysu tumayaa waa hees walaaleed ee weli mililkii cidi ma deyin; 'cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer boogtii lama gaadhayoo geed dheer ayey saaran tahay'. Waxaa jamhuuriyadii cusbayd ee lixdankii xornimada qaadatay lagu unkay cadaalad-daro uu aabo u yahay sed buursiino, hooyana u tahay musuqmaasuq aan loo meel deyin, awoodii dawladeed ee dadka ka dhaxaysay oo cid gaari ka faa’iidaysatay kuwaas oo qabay fikrad ah in kursiga ugu sareeya iyo hogaan sare ee dalka ay iyaga keliyi geyaan dhamaan dadkii inta kalena ay mudan tahay in la xukumo. Fikradaha ilaa maanta laysku maan dhaafsan yahay ayey ka mid tahay nin qabweyn iyo nimaan uba qabin ee loo heshiin waayey. Tacabkii Soomaaliya maalintaas ka bilaabmay halkaas ayuu kor uga sii socday wuxuuna gaadhay heer uu bislaado midhihiisiina waa kuwaas ay bislaadeen ee la goostay waana la wada cunay oo maanta cidina kama fayooba. Waxaa la yidhi hal booliyi nirig xalaala ma dhasho.

Intuu dubur hawd ka xulo, intuu bahala dugsado ayuu dadku doonayaa dugaagu inaanu cunin. Nin baa laga hayey anigu faqaatiir lama yaabsani ee kuwa wax ka dhegaysanaya ayaan la yaabsanahay. Iminka anigu lama yaabsani kuwii Soomaaliya halkaas dhigay oo weli hadlaya oo weli leh talo hanala weydiiyo, laakiin waxaan la yaabsanahay kuwa ka dhegaysanaya ee wax ka qoraya eelka kii dhigay u ashkatootay. Waxaa kale oo u baahan in lays weydiiyo Soomaaliya ma waxaa burburiyey midnimadeedii kuwaas aan kor ku soo tilmaamay, mise waxaa burburiyey ninka yidhi shalay hadaan hadiyad kuugu keenay laakiin aad garan wayday meel aad kaga waranto markaan baadi doonkeedii dhib walba u soo maray ee aan soo helay ku celi xeradii ay ku luntay waa mid aan dhacayn, waxaana keenay in aan sidaas yeelo ninkii garan waayey qiimaha iyo qaayaha ay leedahay maandeeq ninkii tiisaba daryeela tu kalena ku dara. Maahmaah ayaa waxay ahayd ma waxaan ku moodayey mise waxaad noqotay mise waxaan loo noqon doonin, waxaan ku moodaayey in aynu wax isku darsanay oo ay inaga dhaxayso hashu, waxayse noqotay mid keligaa u tashatay oo xitaa aanad odhan geela yaa waday, waxaanse loo noqon doonin in aynu mar labaad wax isku darsano.

Mar i dage allaa ha dago, labo jeer dagese anigaa is dagay. Walaalahayga reer Soomaliya ee garan la meel laga qaniinayna waxaan leeyahay xaajada halkeeda ugu taga oo mar uun iska xoreeya gacanta danaystayaasha waxana ku xorayn kartaan adinkoo dhinac iskaga weeciya kuwa ilaa lixdankii idin hor taagan.
Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

Top


Hambalyo Iyo Bogaadin.

Dhammaan guddiga iyo Xubnaha Jaaliyadda Somaliland ee wadanka Finland deggan waxay Ku hambalyayaan una bogaadinayaan Madaxwenaha, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Gudoonka, golaha Guurtida, Gudoonka iyo Xildhibaanada Golaha wakiilada Jamhuuriaydda Somaliland sida geesinimada iyo waddanimada leh ee ay u dhammays tireen ismaandhaafkii ka dhashay axsaabta dhexdooda.

Waxaannu Gudoonka iyo xildhibaanadda golaha wakiilada ku baraarujinayaa inay ka tallaabsadaan waxkasta oo xurgufa una midoobaan danta ummadda reer Soomaaliland lana yimaadaan mid u dhiganta ama ka badan tii Madaxweynuhu ku talaabsaday.
Xassan Cali Saddexle, Vice Chairman.
Somaliland Community- Finland

Top