Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 235 December 30, 2002

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Dugsiga Sare Ee Sh. Xamdaan Binu Raashid Al-Maktuum Oo Laga Furay Hargeysa

"Ma Doonayno Inaanu Cid Ula Xulafowno Muslimiinta" - Ra’iisal-wasaaraha Djibuuti

Mudane Ka Tirsanaa Baarlamaanka Kooxda Carta Oo Cadeeyay Inuu Is-Casilay 

Dareenada Ka Dhashay Duminta Dhismayaasha Ay Ku Keydsanaayeen Qalabka Doorashooyinka Iyo Jawaabaha Laga Bixiyay

Maxaa Sababay Af-Duubka Xaaska Jaamac Maxamed Qaalib Ee Muqdisho

Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Kulul Ka Yeeshay Xaaladda Gobolka Sool Iyo Degmooyinka Bariga Sanaag

Xagee Bay Ku Dambeeyeen Weftigii Wasiirada Somaliland Ee Senegal U Safray?

UDUB Oo Xaflad Dhoolla-Tus Ah Ku Qabtay Madaxtooyada

"Bani’aadamnimada Iyo Niyadu Waa Furaha Horumarinta"

Gaadhiga Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maxaa Loogu Dhejin Waayay Lambarka Dawladda?

Taageero UDUB

Mwai Kibaki Oo Ku Guulaystay 63% Doorashadii M/weynanimada Kiiniya

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Eedaadka soo maray umul baa Ilowdee


BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Dadka isku Haysta Dhulka (Jagooyinka) Maxay Boolisku U Dhayalsadaan?

Waa subax hore maalintii sabtidii ee todobaadkan waxaa dhacday sanqadh rasaaseed, waxaa markiiba dadkii deganaa xaafad ka mida deeganada koonfureed ee magaalada Hargeysa ay farta ku fiiqeen in ay tahay jago dhuleed oo lagu muransanyahay oo ay rasaastaa isku ridayaan labada dhinac ee ku muransanaa.

Rasaasta ka dhex dhacday xaruntii Somaliland ee Hargeysa ama magaalo kale oo Somaliland ah ma aha arrin fudud oo la dhayalsan karo, ma aha arrin ay sharciyan tahay in uu boolisku ka aamuso in uu talaabo sharciya ka qaado ridista rasaas oo ah arrin ku lida nabadgelyada, tiraba dhawr jeer ayay dhaceen arrimo rasaas loo rido sabab muran dhul jago ah oo la isku haysto oo ka dibna la rido rasaas, waxay isweydiintu tahay miyaan booliska ka hawlgala xarunta Somaliland ee Hargeysa iyo madaxdoodu u haysan dambi rasaas la iska rido, haddii ay u haystaan dembi oo ay talaabo mar iyo laba jeer ka qaadaan waxaa dhici lahayd in arrintaa laga waantoobo, haddii aanay madaxda booliska ee Hargeysa ayna u haysan dembi, rasaas la rido, iyana waa arrin su’aali ka taagantahay masuuliyadooda hawsha amaanka ee xarunta Somaliland. 

Gar iyo gardarro, sharci iyo sharci la’aan sina uma muuqata ridista rasaastu inay cidna fasax u heli karto magaalooyinka iyo meelaha kale ee Somaliland ee dhacdadaasi ay waxyeeli karto sumcadda iyo nabadgelyada oo ah arrinta qudha ee lagu amaano Somaliland, ridista rasaasta ee muranada iyo arrimaha kale ee ka dhexeeya muwaadiniintu waa arrin u baahan in ciidanka nabadgelyada ee boolisku uu ku fuliyo xeerka lidka nabadgelyada si ay ugu waano qaataan shaqsiyaad sidaa yeela oo u muuqda kuwo weli dhinac marsan kala dambaynta iyo sharciga dawladnimo, waxaa iyaguna aan wax badan dhaamin cida kolba haysa maamulka booliska ee deegaanka ay arrimahaasi ka dhacaan ee aan talaabo muuqata ka qaadin cidii rasaas rida, xiligan waxaa la filayay in sidashada hubka ay mamnuuc ka ahaato, cidii aan hayn hawl qaran, waxayse noqonaysaa mid dib u dhac u muuqata iyadoo lagu dhiirado rasaas ay ridaan dad shiciba oo isku haysta dano gaara sida dhul, talaabo ka qaadista cidii ku dhaqaaqda arrinta ridista rasaas waxay noqon doontaa talaabo sii adkaysa nabadgelyada, dhayalsiga arrintaasina waa u badheedh toosa oo dhinaca nuglaynta nabadgelyada, ah oo saameyn ku yeelan doonta nolosha dadka ku nool Somaliland.

Top


Dugsiga Sare Ee Sh. Xamdaan Binu Raashid Al-Maktuum Oo Laga Furay Hargeysa

Hargeysa (Haatuf) Dugsi sare oo loogu magac daray Sh. Xamdaan Binu Raashid ayaa maalintii shalay laga furay magaalada Hargeysa.

Xafladii furitaanka dugsigan oo uu maalgeliyay Sh. Xamdaan Binu Raashid Aal-Mak-tuum oo ah ku xigeenka xaakimka imaarada Dubay oo ka tirsan Imaaradka Carabta waxa ka soo qayb galay agaasimaha waaxda dugsiyada iyo kormeerka ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Xasan Faahiye wakiilka Suudaan ee Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan dhinaca waxbarashada Cabdala Bakhiit Axmed, maamulaha dugsigaasi Dafacala Maxamed Xasaan. Macalmiiminta, waalidiinta ardayda iyo marti sharaf kale oo badan.

Khudbad uu ka jeediyay xafladaasi maamulaha dugsigaasi Dafacala Maxamed Xasaan waxa uu kaga waramay marxaladihii uu soo maray dhismaha Dugsigaasi iyo qaabka ay uga socoto hawlaha waxbarashada waxa isna halkaas ka hadlay wakiilka Suudaan iyo Cabdala Bakhiit isaga oo si weyn uga hadlay xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Suudaan iyo Somaliland gaar ahaana dhinaca waxbarashada, isaga oo intaa raaciyay inay Somaliland u arkaan dalkoodii labaad, sidaa darteedna ay ku niyadsan yihiin inay ka hawl galaan.

Ka dib waxaa isna hadalka qaatay agaasimaha waaxda Dugsiyada iyo Kormeerka ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Xasan Faahiye isagoo aad uga waramay ahmiyada ay wasaarada waxbarashadu siiso dugsiyada gaarka ah iyo guud ahaanba kobcinta waxbarashada dadka.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye" oo ku hadlayay magaca waalidiinta ayaa aad ugu mahad naqay maamulka iyo macalimiinta Dugsigaasi sida weyn ee ay isaga xilsaaraan waxbarashada iyo tarbiyada ardayda dhigata Dugsigaasi.

Dugsigaas oo ah mid uu dhismihiisu cusub yahay waxaa ardayda dhigataa ay gaadhayaan ilaa 360 arday oo gabdho iyo wiilalba leh.

Macalimiinta waxa ka dhigaana waxay gaadhayaan 10 macalin oo badankoodu ay yihiin Suudaaniyiin.

Dugsigani waa mid aad u casri ah waxaanu dhisma ahaan ka koobanyahay 6 fasal,. 4 xafiis qol u gaara ah barashada kombuyuutarka iyo qol shaybaadh ah oo ay yaalaan qalabka fududeeya fahamsiinta ardayda duruusta ay qaadanayaan gaar ahaana sayniska.

Maaha dugsigii ugu horeeyay ee uu Maalgeliyo Sh. Xamdaan Binu Rashiid ee waxaa jira dugsiyo kale oo uu ka dhisay dalal kale oo ka tirsan caalamka Islaamka.

Top


"Ma Doonayno Inaanu Cid Ula Xulafowno Muslimiinta" - Ra’iisal-wasaaraha Djibuuti

joogitaanka ciidamada maraykanka iyo Dalka yar ee Djibouti

by Raymoud Thibodeaux

Magaalada Obokh ee dalka jibouti markii ay ka soo degeen xeebta taangiyada ay saaranyihiin ciidamada maraykanku oo ku hubaysan saanad milatari oo aad u faro badan waxaa ka muuqatay dadkii magaaladaas cabsi, may jirin wargelin lagu wargeliyay dadkaas in ciidamada maraykanku ay halkaas ku samaynayaan carbis.

Dalkan Jabuuti oo in badan oo ciidamada maraykanka ahi aanay hore u maqal, waa lama degaan buuralay ah oo ka mida dalalka Afrika ugu baaxada yar waxaana dhinaca maraykanka lagu qiyaasi karaa mid aad uga yar (Massachusetts), laakiin goobta uu dalkaasi kaga yaal bariga Afrika ayaa ka dhigtay goob qalcad muhiim u ah la socoshada iyo shixnadaha dhulkaasi iskaga gooshaya.

Ilaa (3000) saddex kun oo ciidamada maraykanka ah ayaa hadda ku sugan Jabuuti oo ay ka mid yihiin ciidamada badda, kuwa gaarka u tababaran oo loogu talogalay in ay xididada u saaraan argagixisada geeska Afrika iyo dalka Yemen ee la jaarka ah, waxaa kale oo ay ciidamada maraykanku halkaa ku qaadanayaan tababar ay ugu diyaar garoobayaan weerar suurtagal u eg in lagu qaado ciraaq.

Inkasta oo ay Djibouti hoy u ahayd ciidamo Faransisa muddo shan iyo labaatan sanadooda tan iyo intii ay xorriyada qaadatay haddana waxaa jira dareen ay saraakiishu ka qabto dalka Jibuuti ee islaamka ah xidhiidhka iyo ku xidhnaanta weyna la leh dalalka carabta.

Ra’iisal wasaaraha Djibouti Dilayte Maxamed Dilayte oo arrintaa ka hadlayay wuxuu yidhi "Djibouti waa nabad, waxaanu ahayn dalkii koowaad ee gacan siiyay la dagaalanka argagixisada, kaalintayadu waa mid u cad dhamaan wadamada muslinka ah, ma doonayno in aanu cid ula bahawno Islaamka iyo Argagixisada, haddii ay maanta dhacdo khatari oo Yemen lagu sheego khatar, masuuliyiinta maraykanku waa ogyihiin in haddii ay damcaan in ay talaabo halkan ka qaadaan inay ogolaansho u baahantahay"M/weynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isna ku celceliya beenin uu beeninayo weerarkii sirdoonka maraykanka ee CIA ee Djibouti laga fuliyay gantaal 3/nov/2002, lala beegsaday Yemen kaas oo lagu dilay (6) lix qof oo lagu tuhunsanaa Al-Qaacida oo uu ka mid ahaa kabtan la hawlgalayay Osama Binu Laden.

Djibouti waxay u dhawdahay Soomaaliya (Koonfurta) oo ay maraykanku uga shakisanyihiin in ay Degantahay Al-Itixaad oo ah Maleeshiyo xidhiidh la leh Al-Qaacida, xeebta waqooyi ee Jabuuti waxay doonida kaluumaysi u kala socotaa Yemen in ka yar saacad. Diblomaasi reer Galbeeda oo ka hadlay joogitaanka ciidamada maraykanka ee Jabuuti iyo siyaasada M/weynaha Dalkaas ee Ismaaciil Cumar Geelle waxaanu yidhi diblomaasigaasi "waa arrin xaaladeedu ay khiyaamo u egtahay, M/weyne Geelle wuxuu ogyahay kaalintiisa uu xubinta kaga yahay ururka jaamacada Carabta, sababta ciidamada maraykanku ay uga hawlgalayaan gobolkaa waa tiro badan oo dada iyo ciidamo ah oo dhaqdhaqaaq ku sameeya gobolkaas, waxoogaa waxaa jira arrin khamaara dhinaca Dawladda Djibouti oo ah helitaan deeq gargaar ama gacan siintana loo sameeyay si loo helo gargaar" Djibouti waa dal ay saboolnimadu si ba’an u saamaysay, boqokiiba 10% ayaa dhulkeeda beeraha ku haboon, raashinka la cunaa waxay ka soo dejisataa dibadda, boqolkiiba 50% carruurta ku nool waxaa haysa nafaqo darro, kala badh oo badh dadka waa shaqo la’yihiin, Djibouti waxay adeegan ugu furtay ciidamada maraykankaa in loogu bedelo maalgelin dhinaca iskuuladda ah, caafimaadka iyo wadooyinka ah iyo xanaanada xoolaha, laakiin deeqda maraykanka ee Djibouti oo ahayd $ 8.7 milyan sanadan waxay u janjeedhsatay dhinaca nabadgelyada iyo baahiyaha ciidamada maraykanka ee yimid Djibouti marka la barbardhigo dhinaca horumarinta Djibouti.

Top


Mudane Ka Tirsanaa Baarlamaanka Kooxda Carta Oo Cadeeyay Inuu Is-Casilay 

Hargeysa (haatuf) C/laahi Aw Aadan oo ka tirsanaa barlamaanka kooxda carta, dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland ayaa cadeeyay inuu iska casilay xubinimadiisii kooxdaas, islamarkaana uu u soo laabtay dalkiisa hooyo ee Somaliland.

C/laahi wuxuu sidaa ku sheegay qoraal uu na soo gaadhsiiyay shalay, isagoo haatan ku sugan Hargeysa.

Qoraalkaasina wuxuu qornaa sidan:

"Anigoo ah mudane C/laahi Aw Aaden kana mid ahaa xildhibaanada dawladda carta, horana istiqaalad u dhiibay, kuna soo laabtay dalkaygii hooyo ee Somaliland. Waxaan mar labaad idinla socodsiinayaa inaan istiqaalad ka dhiibay xilkii aan ka hayay dawladda carta ee Muqdisho.

Taasoo aan u soo hiloobay dalkayga hooyo ee Somaliland kuna soo laabtay anigoo nabad qaba."

Top


Dareenada Ka Dhashay Duminta Dhismayaasha Ay Ku Keydsanaayeen Qalabka Doorashooyinka Iyo Jawaabaha Laga Bixiyay

Hargeysa (Haatuf): Dhismaha bakhaarada kaydka dhexe ee dawooyinka wasaaradda caafimaadka Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa la dumiyey maalin ka dib markii loo dareeray cod-bixintii doorashooyinka dawladaha hoose. Hase yeeshee guddiga doorashooyinka ayaa sheegay inay dhismaha la dumiyey ay yaaleen agab loogu talo galay doorashada soo socota, agabkaasna uu halkaa khasaare ku soo gaadhay.

Gudoomiye-kuxigeenka guddiga doorashooyinka Qaranka, C/laahi Xaaji Cumar (C/laahi jawaan) oo aanu xalay waydiinay sida ay arintaasi u jirto ayaa sheegay in dhismayaasha la dumiyey ay ku kaydsanaayeen agab loogu talo galay doorashooyinka, agabkaasna u khasaare soo gaadhay, laakiin waxa uu intaa ku daray in markii ay arintaa ogaadeen ay ku war-geliyeen madaxweyne Rayaale, taas oo keentay inuu madaxweyne Rayaale laftiisu booqdo dhismayaasha la dumiyey, ka dibna waxa uu madaxweynuhu magacaabay guddi si qoto dheer u baadha sida ay arintu u dhacday iyo burburka la sheegay inuu soo gaadhay agabka doorashada, iyadoo uu gudoomiyaha guddiga doorashooyinka C/laahi Jawaan sheegay inay guddi ahaan wixii khasaare ahaa ee gaadhay agabka doorashada u gudbiyeen madaxweynaha.

"May jirin sabab loo dumiyaa bakhaaradaa, arintaasina waa mid qalad ah," ayuu yidhi, C/laahi Xaaji Cumar, isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd bal inay bakhaarada la dumiyey u baahnaayeen dib-udhis lagama maarmaan ah iyo inkale, laakiin C/laahi waxa kale oo uu sheegay in dhismayaasha la dumiyey, iyadoo aan wax ogaysiin ah la siin guddiga doorashooyinka ee ka masuulka ah alaabta doorashooyinka ee meesha taalay iyo ciddii ka masuulka ahayd ilaalinta alaabtaa, taasna waxa uu gudoomiye-kuxigeenka guddiga doorashooyinku ku tilmaamay talaabo sharci daro ah.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka, Axmed Cabdi oo aanu isna xalay wax ka waydiinay arintan ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo arintaa. Hase yeeshee wuxuu sheegay inaanu waxba kala socon dhacdadaa, isaga oo ku tiraabay inay isaga (Agaasimaha) iyo madaxweynuhu hal mar wada ogaadeen, laakiin maadaama ay wasaaradda caafimaadka masuul ka tahay bakhaaradaa agaasimaha guud, Axmed Cabdi waxa la waydiiyey sababta uu u ogaan waayeen iyo weliba cidda bixisay qandaraaska dayac-tirka dhismayaashaa waxa uu sheegay inay qandaraaska bixisay hayad samafal caalamiya, laakiin waxa uu intaa ku daray inaanu waxba kala socon agabka meesha yaalay iyo khasaaraha gaadhay toona, isaga oo sheegay inay wasaarad ahaan ka hadli doonaan, ka dib marka ay natiijadiisu soo baxdo baadhitaan ay arintaa ka wadaan ciidanka baadhista dembiyada dawladda Somaliland (C.I.D), iyadoo uu madaxweyne Rayaale hore u amray inay C.I.D-du baadho arinta halkaa ka dhacday iyo khasaaraha gaadhay agabka doorashada ee la sheegay inuu halkaa ku burburay. 

Sidoo kale taliyaha ciidanka baadhista dembiyada (C.I.D) Maxamed Muuse Abraar oo ka mid ah ragga uu madaxweyne Rayaale arinta baadhisteeda u saaray ayaanu isna xalay waydiinay bal waxa uu ka ogyahay arintaa, laakiin wuu ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo arintaa, isaga oo sheegay inaanu ka hordhacayn ilaa inta ay dhamaystirayaan baadhistooda.

Arintu sida ay doonto ha u dhacdee waxay noqotay mawduuc ay dadka reer Hargeysa ilaa shalay aad u hadal hayeen, ka dib markii uu wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii shalay wax ka qoray arintaa, waxayna abuurtay dareemo shaki leh, isla markaana waxay dadku arintan iska waydiiyeen su’aalo dareen leh, lamana garanayo sababta loo dumiyey bakhaaradaa iyo cidda bixisay amarka aanay isla ogayn dhinacyada ay arintu khusaysaa. Sidoo kale ilaa hadda lama xaqiijin inta uu cadadkeedu le’eg yahay alaabta maqan, iyadoo la sheegay inay alaabta doorashada loogu talo galay ee bakhaaradaa taalay ka koobnayd noocyo ay ka mid yihiin: Sanaaduuq, buugaagta diiwaangelinta dadka coddaynayaa, kaadhadhak diiwaangelinta, khadka la mariyo dadka codaynaya iyo alaabo kale oo loogu talo galay in loo isticmaalo hawlaha doorashada.

Top


Maxaa Sababay Af-Duubka Xaaska Jaamac Maxamed Qaalib Ee Muqdisho

Muqdisho - Xaaska Jaamac Maxamed Qaalib, marwo: Caasha Cabdi Cilmi oo ay dabley hubaysani muddo hadda laga joogo 12 maalmood ku qafaalatay magaalada Muqdisho ayaa cuntadii ka soontay.

Sida ay 27-kii bishan aynu ku jiro faafisay idaacad la yidhaahdo Raadyow banaadir waxay dableyda marwo gabadhaa ka af-duubtay magaalada Muqdisho gudaheeda, isla markaana waxay ku haysataa xaafado ka mid ah isla magaalada Muqdisho gudaheeda.

Warku ma sheegin sababta ay dableydu markii hore u qafaalatay gabadhaa, laakiin waxay warar markii dambe soo baxay sheegeen inay dableydu dal-batay lacag madax-furasho ah oo cadadkeeda lagu sheegay $15000- US-doolar. Hase yeeshee lacagtaa cidina ma bixin, mana jirto cid dableyda u ballan-qaaday inay bixinayso, laakiin marwo Caasha Cabdi dhawr maalmood ka hor ayey cuntada ka soontay, iyadoo ka cabanaysa sida xaq darada ah ee loo af-duubay iyo dhibaatada lagu hayo.

Guddi sare oo ay leeyihiin dadka qabiilka Isaaqa ee ku nool koonfurta Somaliya ayaa soo saaray baaq ay ku dal-banayaan in gabadhaa xoriyadeeda loogu celiyo si degdeg ah oo aan bilaa shuruud ah, isla markaana waxay guddi beeleedkaasi si xun u canbaareeyeen falkaa af-duubka ah ee loo geytay gabadhaa, waxayna ku tilmaameen fal fool-xun oo lid ku ah diinta islaamka, xuquuqda aadamaha iyo dhaqanka dadyowga Soomaalida.

Top


Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Kulul Ka Yeeshay Xaaladda Gobolka Sool Iyo Degmooyinka Bariga Sanaag

"Waxa muuqda fashil Siyaasadeed, markaa waa in ay is-casilaan 3-da Gudoomiye ee Saddexda Gole"

Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay dood kulul oo ku saabsan ajande la xidhiidha xaaladda gobolka Sool iyo degmooyinka bariga Sanaag foodda is daray, waxayna doodaasi keentay inuu istaago geedi socodkii shirku, ka dib markii uu shirka hadheeyey sawaxan iyo buuq la xidhiidha ajandaha laga doodayey.

Intii aan si rasmi ah loo gudo gelin ajandaha fadhiga ayuu buuq iyo sawaxan kululi circa isku shareeray madashii fadhiga, waxayna taasi ka dambaysay markii ay xubno mudanayaal ahi soo qadimeen dood kulul, taas oo ay mudanayaasha doodda qaatay hadalkooda ku af-taxeen sida loo gorfaynayo ajande ilaa dhawr qoddob ka kooban oo golaha horyaal. 

Laakiin qoddobka ugu muhimsan ee afka lagu dhuftay waxa uu ahaa mawduuc ku saabsan xaaladda gobolka Sool iyo degmooyinka bariga gobolka Sanaag, iyadoo ay doodda dhex-taal u ahayd sida laga yeelayo xaaladda degaamada bariga ee aanu maamulka dawladda wax la taaban karo ka hanaqaadin.

Madaxweyne Daahir Rayaale ayaa dhowaan xukun degdeg ah ku soo rogay gobolka Sool, ka dib markii uu socdaal ku tegay, laakiin uu kala kulmay weerar kaga yimi dhinaca maamul-goboleedka garoowe ee uu madaxda ka yahay Col. C/laahi Yuusuf. Hase yeeshee fadhi wada jir ah oo ay labada gole ee baarlamaanka Somaliland yeesheen 19-kii bishan ayey ku ansixiyeen wareegtada xukunka degdegga ah ee gobolka Sool, isla markaana waxay go’aamiyeen in la magacaabo guddi ka kooban labada gole oo soo baadha sidii ay xaaladdii dagaal ee ay magaalada laascaanood kala kulmeen madaxweyne Rayaale iyo weftigii uu hogaaminayey. Sidaa darteed doodda kulul ee ay mudanayaasha guurtidu fadhigoodu shalay food is-dareen waxay daba socotay arimahaa, iyadoo ay is-waydiintu ahayd sida loo waajahayo xaaladda gobolka Sool iyo degmooyinka bariga gobolka Sanaag.

"Xeerkii xukunka degdegga ah ee ay labada gole ee baarlamaanku ansixiyeen iyo guddidii aynu nidhi ha soo baadheen sidii ay wax u dhaceen waa in laga hadlaa," sidaa waxa yidhi mudane Sheekh Muuse Goodaad, laakiin waxa isna hadalka qaatay gudoomiye-kuxigeenka labaad ee golaha Guurtida, mudane Siciid Jaamac Cali, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Waxaynu soo jeedinay in loo yeedho wasiirka arimaha gudaha iyo guddiga doorashooyinka si aynu u waydiino sababta uu maamulku u gaadhiwaayey degmooyinka bariga iyo waxa ay doorashooyinku uga dhici waayeen", ayuu yidhi mudane Siciid, laakiin waxa uu intaa ku daray, "waa in la is-waydiiyo ma dadka degaamadaa ayaan Somaliland ahayn, mise cidina waanay u tegin," iyadoo uu mudane Siciid tilmaamay in inta aan wax kale la gelin horta la qeexo sida uu xaalku yahay, taas oo ay ujeedadiisu tahay in la kala xaqiijiyo bal inay dadka degaamada bari diidan yihiin Somaliland iyo inkale. Hase yeeshee markii ay halkaa maraysay ayuu hadalka qaatay mudane Aadan Shire (Aadan-sanweyne), wuxuuna halkaa ka jeediyey dood kulul oo uu ku naqdiyayo golayaasha dawladda Somaliland, isaga oo ku dhaliilay inay ka gaabiyeen inay wax ka qabtaan xaaladda degaamada bariga Somaliland siyaasiyan iyo maamul ahaan-ba, isla markaana waxa uu mudanahani doodiisa ku darsaday inay hogaamiyayaasha saddexda gole ee dawladda Somaliland is casilaan, wuxuuna isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi "Anigu waxaan soo jeedinayaa inay saddexda gudoomiye ee Guurtida, wakiilada iyo xukuumadda (madaxweynaha) is-casilaan, waayo waxa muuqda fashil siyaasadeed, 12 sannadood waxaynu lahayn Sool iyo sanaag bari Somaliland ma aha , laakiin anigu waxaan qabaa inay Somaliland yihiin, markaa waa inaynu ogaano waxa ay doonayaan, balse aan la aflagaadayn".

Dooddaas oo cabaar socotay waxa ka qayb galay mudanayaal kooban, waxayna ahayd dood sawaxan iyo buuq xambaarsan, sidaa darteed iyadoo aanu goluhu isla meel dhigin guda gelidda iyo sida loo gelayo ajandaha golaha horyaal ayuu gudoomiyaha golaha, mudane Sh. Ibraahin Sh. Yuusuf shirka xidhay, waxaana doodda ajandahaa mar kale loo ballamay maanta.

Top


Xagee Bay Ku Dambeeyeen Weftigii Wasiirada Somaliland Ee Senegal U Safray?

Hargeysa (Haatuf): 24-kii bishan aynu ku jiro waxa madaarka Hargeysa ka dhoofay wefti ka tirsan golaha wasiirada Somaliland, kuwaas oo u socdaalay dalka Senegaal ee Afrikada galbeed.

Weftigaas oo ka koobnaa wasiirada maaliyadda, Maxamed Siciid gees, waxbarashada, Axmed Yuusuf Ducaale iyo horumarinta qoyska, Adna Aadan-dhakhtar waxay ujeedada socdaalkoodu ahayd gogol-xaadh la xidhiidha socdaal lagu wado inuu madaxweyne Rayaale ku tago dalka Senegaal, iyadoo ay hore madaxtooyada uga soo yeedhay inuu madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale martiqaad ka helay madaxweynaha dalka Senegaal. Hase yeeshee inkasta oo ay weftigaasi dalka ka sii maqanayeen inku dhow toddobaad, hadana waxay wararku sheegeen inaanay xubnihii weftiga intooda badani weli gaadhin dalka Senegaal, taas oo la sheegay inay ku ban-jarmeen meel dhexe.

Sida ay tibaaxeen warar u dhuun-daloola madaxtooyada wasiirada maaliyadda iyo waxbarashada, Maxamed Siciid Gees iyo Axmed Yuusuf Ducaale waxay weli ku sugan yihiin caasimadda dalka Itoobiya ee Adis-ababa, laakiin wasiirka horumarinta qoyska, marwo Adna Aadan way gaadhay dalka Senegaal.

Inkasta oo aanay warar rasmi ah oo arintaa xaqiijinayaa ka soo bixin dhinaca dawladda, hadana waxay wararka qaar tibaaxeen in sababta ay labadaa wasiir Adis-ababa ugu banjareen tahay, ka dib markii ay waayeen ruqsaddii dal kugalka (Visa) Senegaal, laakiin sababta ay taasi u dhacday. Hase yeeshee inkasta oo hore loo sheegay inuu madaxweyne Senagaal martiqaad rasmi ah u fidiyey madaxweynaha Somaliland, hadana waxa loo malaynayaa inay meel wax iska dhaafeen, balse ma cadda halka ay wax iska dhaafeen, waxayse wararka qaar leeyihiin dawladda Senegaal ayey wax iska bedeleen mawqifkeedii arintaa ku saabsanaa, laakiin lama oga sababta ay wax isaga bedeleen, iyadoo ay dadka arimaha siyaasadda u dhuun-daloola qaarkood iswaydiinayaan, tolow ma cid baa dawladda Senegaal cadaadis ku saaartay inaanay diblomaasiyad heerkaa gadhsiisan ku qaabilin madaxda Somaliland, laakiin tibaaxo kale ayaa iyaguna leh waxa loo malaynayaa inay borotokoolka ay dawladda Senegaal ugu talo gashay inay u qaabisho madaxda Somaliland wax iska qar-dhaafeen, taas oo la leeyahay heerka ay dawladda Senegaal ugu talo gashay qaabilaadda weftiga uga imanaya dhinaca Somaliland iyo sida ay dawladda Somaliland u maamushay ayaan is lahayn. 

Taas oo ay wararku leeyihiin dawladda Senegaal waxay doonaysay inaan lagu sayaxin martiqaadkaa iyo socdaalka uu madaxweyne Rayaale ku iman doono dalka Senegaal toona, halka ay madaxweyne Rayaale iyo maamulkiisuna si weyn ugu sayaxeen martiqaadkaa, iyadoo uu madaxweyne Rayaale martiqaadka madaxweynaha Senagaal dadka ugu bishaareeyey maalmo yar ka hor cod-bixintii doorashadii golayaasha degaanka, taas oo la odhan karo bishaarada martiqaadka hadii tafsiir siyaasadeed la saaro kama madhnayn olole siyaasadeed. Hase yeeshee ilaa hadda warar rasmi ah oo ku saabsan weftigaa iyo halka ay ku dambeeyeen kama soo bixin dhinaca dawladda iyo dhinaca weftiga midna. 

Top


UDUB Oo Xaflad Dhoolla-Tus Ah Ku Qabtay Madaxtooyada

Hargeysa (Haatuf): Xubnaha xisbiga UDUB ee ku abtirsada dawladda ayaa shalay isku qaabilay xaflad balaadhan oo ka dhacday qasriga madaxtooyada, wuxuuna kulanka xubnaha UDUB ahaa qado sharaf, xafladaasina waxay ahayd mid aanay u kala hadhin xubnaha xisbiga UDUB iyo madaxdoodu. Laakiin xafladaasi waxay ahayd mid ay ugfu dabaal-degayeen guushii balaadhnayd ee ay dhowaan ka gaadheen doorashadii golayaasha degaanka iyo weliba shirweynihii golaha dhexe ee musharaxnimada loogu caleemo saaray madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa, taas uu xisbiga UDUB dadkii codeeyey 50% hoosta looga xariiqay UDUB.

Xili-qadihii shalay xarunta madaxtooyadu waxay ahayd meel la ceeryoonsan dad iyo gaadiid, laakiin marka laga yimaado damaashaadka ay reer UDUB u damaashaadayaan guushii ay hoosta ka xariiqdeen doorashadii golayaasha degaanka, dhinaca kalena waxay u ekayd dhoola-tus ay reer UDUB u sii dhoolatusanayaan doorashada dambe ee madaxtooyada iyo baarlamaanka. Hase yeeshee dad badan ayaa iswaydiinayey reer UDUB maxay xafladooda gaarka ah ula doonteen madaxtooyada oo ah xaruntii dalka oo dhan looga talinayey.

Dhinaca kalena damaashaadka iyo dhoolatuska ay bahda UDUB la dhex-mushaaxayeen qasriga madaxtooyada waxay ahayd arin haasaawe siyaasadeed dhalisay, taas oo ay dadka kaftanka siyaasadda yaqaan qaarkood ku tiraabeen weedho ay ka mid yihiin "Malaha reer UDUB talada dalka iyo waxa hoos yaal-ba way isa siiyeen oo burkaba bahal kama filayaan," laakiin arintu sida ay doonto ha ahaatee xafladda qadada ah ee ay beesha reer UDUB madax ioy minjabada isku qaabileen qasriga madaxtooyada waxay ahayd mid ay dhaqaaqeeda dareemayeen degsiimooyinka ama dadka soo mara duleedadda madaxtooyada. 

Top


"Bani’aadamnimada Iyo Niyadu Waa Furaha Horumarinta"

by Rehel Fikru - Subsahara Informer, Ethiopia

Xuquuqda Benu’aadamka, ku xadgudubkeeda iyo xuquuqda haweenka ayaa in dhawristeedu lagama maarmaan ay tahay waxay ahayd arrin in muddo ah la is dhagamarinayay, boqolaal iyo kumaankum haween iyo hablo ah oo dunida ku nool ayaa sii wada adkaysigii ay ku xamilayeen xadgudubo xuquuqdooda ah oo qaarkood ay halis yihiin sida ay qortay warbixin loogu magacdaray sinaanta waqtigan" oo ay diyaarisay, urur aan dawli ahayn xaruntiisu tahay dalka maraykanka iyo hay’adaha u dooda xuquuqda adaamaha, waxaana dhaca danbiyo maalinwalba xadguduba xataa dalalka horumaray, dhawaan dalka maraykanka waxaa dhacday in haweenay (51) jir ah uu maxkamadda dhexdeeda ku dilay wiil ay hore saaxiib u ahaayeen iyadoo halkaa ku sugaysay sharcigii badbaadin lahaa, ninkaa oo 2 jeer hore loo xukumay, oo haddana xukunkii laga saamaxay.

Dr Bogledi Gebre oo ah aasaasihii iyo agaasimihii fulinta ee xarunta iska wax uqabsada haweenka ee Kembata (KMG) iyo urur kale oo u hadla xuquuqda haweenka ayaa dhawaan shir ku qabtay hudheelka Ghion ee magaalada Addis ababa ee Itoobiya, shirkaas waxaa ka soo qayb galay 4 hablood oo laba ka tirsanyihiin ururka Kembetta hablahaas oo hore u diiday in lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah, 4taa haweeni waxay ku hawlanyihiin hadda inay ka shaqayeen xuquuqda haweenka.

Hablaha ka badbaaday in lagu sameeyo gudniinka waxaa la guursaday bishii Sep ee sanadka 2002, waxaanay aasaas u dhigeen dadka ku nool Kembatta gaar ahaan habluhu inay ku dhiiradaan xuquuqdooda ay ku diidi karaan gudniinka fircooniga ah, inta badan waalidiinta deegaankaas ku nooli ay ku qasbaan ama ku cadaadiyaan hablaha in lagu sameeyo gudniin hablahan reer Kembetta ee markii ugu horeysay ka badbaaday caadada gudniinka ee deegaankooda waxaanu arooskoodii ka dhacay bishii September ee sanadkan oo ka dhacay Kebatti waxaa ka soo qaybgalay ilaa 2000 oo qof iyo iyo M/weynaha maamulka kilalkaas Itoobiya, oo u soo safray si ay arooska hablahaas uga qaybgalaan.

Hay’addan haweenka ee KMG waxay ka hawlgashaa horumarinta haweenka ee Kembatta iyo Tembaro deegaanada Alaba ee koonfurta Itoobiya, hawsha la doonayo in gobolkaas Itoobiya lagaga suuliyo caadada gudniinka ee hablaha waxay hay’adda haweenka ee KMG ka waday deegaankaas tan iyo sanadii 1997.

Gabdhaha iyagu ka badbaaday gudniinka sida Addise iyo Genet waxay hadda ka shaqeeyaan waxbarista hablaha kale si ay u fahmaan xuquuqdooda ay ku horjoogsan karaan in lagu sameeyo caadada gudniinka hablaha ee halista u ah caafimaadka hablaha.

Waxa iyaguna shirkaa ka dhacay hudheelka Ghion ee Addis Ababa ka soo qaybgalay (2) hablood oo walaalo ah oo reer Kiiniya ah oo u dacwooday maxkamadda si ay uga hortagaan aabahood oo doonayay in lagu fuliyo gudniinkaa.

Top


Gaadhiga Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maxaa Loogu Dhejin Waayay Lambarka Dawladda?

Hargeysa (Haatuf): "Baabuurka aan wato waxaa leh dawladda, laakiin waa run oo ma laha lambarka dawladda", sidaa waxa yidhi wasiirka xanaanada xoolaha dawladda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo u waramey weriye liibaan Maaweel shire oo Haatuf ka tirsan. Su’aashaasina waxay ka dambaysay baabuurka wasiirka oo uu ku yaal lambar shicib.
Wasaaradaha maaliyadda iyo gaadiidka ayaa hadda ka hor saxaafadda u sheegay inay hantida dawladdu guri iyo gaadhiba diiwaangashan tahay, laakiin baabuurka wasaaradda xanaanada xoolaha iyo weliba qaar kale oo ka mid ah gaadiidka dawladda oo aan lahayn lambarka dawladda waxay taasi markhaati u noqonaysaa inay dayacan tahay masuuliyadda hayadaha sheegta inay ka masuul yihiin hantida dawladda nooca ay doonto ha ahaatee. Waayo wasiirka xanaanada xooluhu ma odhan anigaa leh baabuurka ee wuxuu cadeeyey inay baabuurka dawladdu leedahay, laakiin waxay iswaydiintu tahay yaa leh masuuliyadda dayacan. 

Waxa kale oo jirta in gaadiid dawladda loo iibshay aan lagu xidhin lambarka dawladda, taasina ay keentay inay iskaga dhex-tasoobaan geerashyo la dhigay dhexdooda, iyadoo hadii ay doonaan ay gaadiidkaa qaarkood iska xalaalaysteen dad shicib ahi.

Ta kale qaar ka mid ah dhakhaatiirta xanaanada xoolaha ayaa ku andacooday in baabuurka wasiirku wato markii hore iyaga loo iibiyey, laakiin wasiirka oo arintaa la waydiiyey waxa ku jawaabay "Anigu ma ogi baabuur loo iibshay dhakhaatiirtaa, wasaaradduna baabuurka Landcruiserka ah ee aan wato iyo dhawr baabuur oo kale ayey leedahay".

Top


Taageero UDUB

Anigoo ah Suldaanka guud ee beesha Gabooye ee JSL anigoo ku hadlaya magaca beeshayda iyo magacaygaba waxaan si buuxda u taageersanahay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa sida ay isugu taageen musharaxnimada xisbiga UDUB ee lagu ansixiyay cod buuxa. Waxaanan ilaahay uga rajaynaynaa inay ku guulaystaan.

Top


Mwai Kibaki Oo Ku Guulaystay 63% Doorashadii M/weynanimada Kiiniya

(Waa Kuma Mwai Kibaki)

Nayroobi (W. Wararka) hogaamiyaha isbahaysiga jeegaanta ee mucaaridka Kiiniya (NARC) Mwai Kibaki ayaa xalay lagu dhawaaqay inuu si rasmiya ugu guulaystay doorashadii jagada madaxweynanimada ee dalka Kiiniya, Mwai Kibaki wuxuu helay 63% tiradii dadka codeeyay, halka musharaxa xisbigii hayay talada dalka Kiiniya ee KANU uu ka helay 30% codadkii ay dadka reer Kiiniya bixiyeen.

Guusha kibaki oo maanta loo dhaarinayo M/weynanimada dalka Kiiniya waxaa lagu tilmaamay isbedel neecaw siyaasadeed oo ay horseedeen dadka reer Kiiniya Uhuru Kenyatta oo ah ninka lagaga adkaaday tartankii doorashada ayaa isna qiray in lagaga adkaaday tartankaas waxaanu sheegay in u hogaamin doono xisbiga cusub ee mucaaridka siyaasada Kiiniya.

Mwai Kibaki oo maanta loo dhaarinayo M/weynanimada dalka Kiiniya wuxuu ahaa nin inta badan noloshiisii ku soo jiray siyaasada Kibaki wuxuu ku dhashay degmada Yeedhi ee ku taala badhtamaha dalka Kiiniya agagaarka buurta lagu magacaabo Kiiniya, sanadii 1931kii, Kibaki wuxuu wax ku bartay jaamacada Mekereri ee dalka Yugaandha ka hor intaanu gelin jaamacada London School of Economics, halkaas oo uu noqday Kibaki ugu horeeyay ee ku gudba kaalinta koowaad ee maamuuska jaamacadaa, waxaanu Kibaki ka bartay jaamacadaa maadada dhaqaalaha, markii uu soo dhamaystay jaamacada London wuxuu Kibaki uu macalin ka noqday jaamacada Mekereri, horaantii sanadii 60dameeyadii ayuu Kibaki ka tagay shaqada macalinimo waxaanu ku biiray halgankii loo galay xoreyntii Kiiniya, waxaa uu Kibaki ka qaybqaatay samayntii distuurkii u horeeyay ee loo sameeyay Kiiniyada Madaxa Banaan, aaga bahaati ee magaalada Nayroobi ayuu Kibaki ku guulaystay inuu ka helo kursi baarlamaana doorashooyinkii u horeeyay ee ka dhacay Kiiniya 1964kii, sanadkii 1969kii ayuu Kibaki u tartamay kursi baarlamaan degmada uu u dhashay ee Yeedhi kaas oo uu ku guulaystay Kibaki uuna ka soo galayay baarlamaanka wixii taariikhdaa ka dambaysay sanadii 1969kii ayaa Kibaki loo magacaabay wasiirka maaliyada ee dalka Kiiniya xiligaaas oo uu Kiiniya xukumayay Joma Kenyatta waxaanu Kibaki jagadaas hayay ilaa sanadii 1978kii intuu uu hayay Kibaki jagada wasiirka maaliyada wuxuu dalka Kiiniya gaadhay horumarka dhinaca dhaqaalaha ah, Mwai Kibaki waxaa uu dalkiisa ka soo qabtay jagada madaxweyne ku xigeen iyo wasiirka arrimaha gudaha intii u dhaxaysay sanadadii 1978kii ilaa 1988kii, sanadii 1991kii markii dalka Kiiniya laga ogolaaday xisbiyada tirada badan ayuu Kibaki iskii uga degay jaagada wasiirka caafimaadka oo uu u hayay dalkiisa, waxaanu furtay xisbiga uu weli hogaamiyo ee la yidhaa Democratic Party (DP).

Intii uu ku jiray Mwai Kibaki ololaha doorashada dalka Kiiniya wuxuu balanqaado badan u sameeyay dadka reer Kiiniya isagoo sheegay in uu u horseedi doono Kiiniya isbedel.

Tartanka doorashooyinka ee hogaaminta dalka Kiiniya iyo kan baarlamaankeedu waxay ahaayeen qaar aan la sii saadaalin karayn ilaa ay xalay soo baxday guusha isbahaysiga mucaaridka Kiiniya ee NARC iyo hogaamiyahooda Mwai Kibaki, 5.4 milyan oo dadka reer Kiiniya ayaa codkooda dhiibtay inkasta oo ay isdiiwaangeliyeen 10.5 milyan oo dadka reer Kiiniya. Waxaa isaguna ka 7% doorashooyinka ka helay Simoe Nychea.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  1. Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  2. Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 55aad

Ganat: Niman badan oo shirkaa ka qayb galay waxay sheegeen inuu shirku adiga kuu xuurtaysnaa, masuuliyadiisana adiga ayey ku saaraan, taa ka warran?

Mingistu: Horta waxa jira wax run ah oo aanay cidina dafiri karin, taasina waxay tahay falkaasi inaanu sax ahayn dhamaantayo waanu wada ogsoonahay, laakiin arintaasi iyadoo qalad ah ayaanu hadana ansixinay, hase yeeshee markii laga soo gudbay xiligii go’aankaasi dhacay maanta ma doonayno inaanu nidhaahno kuwii ka qayb qaatay waa kuwaa iyo kuwaa, waxaadse moodaa in la doon doonayo cid lagaga baxsado oo la yidhaahdo cidaas ayaa falkaa geysatay, isla markaana golaha dhergiga marka laga hadlayo kuwii ay sida rasmiga ah u khusaysay arintaasi ayaa maanta doonaya inay dafiraan. Tusaale ahaan nimankii xubnaha ka ahaa golaha dhergiga iyo kuwii abaabulayaasha ka ahaa guddigii cadaaladda ayaa maanta leh "Ma garanayno iyo maanu lahayn masuuliyadda arintaa," taasna anigu markii aan maqlay waan la yaabay.

Sharciyan arinta noocaas oo kale ah waxa ajandaheedu ku ansaxayey marka ay soo bandhigaan guddiga cadaaladda qaabilsani, laakiin ku talo gal aan anigu iska maamushay inaanu jirin Fisaha Dasta iyo rag kale oo badaniba way garanayaan, sidaa darteed ajandahaas caynkaas oo kale ah ilaa ay soo jeediyaan guddiga xabsiyada ama guddiyada cadaaladda qaabilsan ee dawladaha hoose anigu si gaar ah uma aan soo bandhigin ajandaha nimankaa xidh-xidhan ku saabsanaa, sidaa awgeed ma jirto masuuliyad gaar ah oo aan ku lahaa arintaa may jirin ee waxay ajande la wada ansixiyey.

Ganat: Waxa la leeyahay janaraal Amaane in la dilo waxa amar ku bixiyey adiga, taasi ma jirto miyaa?

Mingistu: Waxa la yidhi janaraal Amaane hadii nolol lagu qaban kari waayo waa in si toos ah loo dilo, go’aankaasina waxa uu ahaa mid ka soo baxay shirka oo ay soo jeediyeen ama go’aamiyeen ka soo qayb-galayaashii shirku, isla markaana go’aankaasi muu ahayn mid kale ka yimi ee waxa uu ahaa mid si toos ah uga soo baxay guriga shirka. Sidaa darteed marka la leeyahay Mingistu ayaa amar ku bixiyey in janaraal Amaane qudha laga jaro, xagee laga maray go’aankii shirka ka soo baxay, miyaaase la dafiri karaa ilayn waxa uu ahaa go’aan shir loo dhan yahay ka soo baxaye, taasi waa been aanay waxba ka jirn. Ta kale arinta aanu marka horeba isugu nimi waxay arinta nimanka xidh-xidhan ee may cid ama wax gaar ah oo ku saabsan janaraal Amaane, sidaa darteed si ay go’aan arimahaa uga gaadhaan ayaan shirka ugu qabtay, taas oo macneheedu ahaa inay iyagu waxa iyo sida ay doonaan u xukumaan nimankaa, laakiin hadii aan doonayo inaan keligay sidaa yeelo maxaan shirka isugu yeedhayey, taasi miyaanay cadaynayn inay go’aanka wada jir u gaadheen.

Janaraal Amaane waxa uu ahaa sarkaal sare (Senior), sidaa darteed waxa uu doonayey kursi sare, ta labaad maadaama uu ahaa nin u dhashay Ereteriya waxa uu qabsaday golaha dhergiga si uu uga faa’iidaysto awoodda golaha, waayo waxa lagu xaman jiray nin doonaya inay Ereteriya go’do, hase yeeshee maadaama ay janaraal Amaane arintiisu sidaa ahayd anigu waan iska ilaalin jiray arimihiisa, sidaa darteed marka ay soo baxdo arin yar oo xagiisa ku saabsani waan iska fogayn jiray si aan loo odhan Mingistu ayaa ka dambeeyey iyo wax la mid ah. Sidaa awgeed maalintaa anigu waxaan intii karaankayga ah ku dedaalay inaan ka bad-baado wax kasta oo igaga soo leexan kara arintiisa, waxaana mar walba isku deyey inaan kubadda dhex-dhigo ka soo qaybgalayaasha shirka, si ay iyagu kubadda dhinaca ay doonaan ugu laadaan, markaa xaaladdu sidaas ayey ahayd, waxayna ujeedada shirku ahayd inaan waxba la kala qarsan ee uu qof waliba macfalka arintaa lagaga hadlayo goob-joog ka ahaado oo uu ra’yigiisa ka dhiibto, laakiin waxay iswaydiintu tahay aniga hadii aan doonayo ama uu r’ayigaygu ahaa in janaraal Amaane la dilo maxaan shir-weynaha u qabanayey, waayo hadii aan doonayo inaan keligay dilo waan awoodi karayey in inta aan u yeedho Daani’al aan ku idhaahdo "janaraal Amaane madaxa ka toogo", hadii aan doonayo inaan sidaa yeelo ma jirin wax awood ah oo igaga gud-banaa, maxaa yeelay darawalkiisa iyo ilaaladiisuba waxay colkayagii, sidaa darteedna darawalkiisa ama ilaaladiisa mid ka mid ah waan odhan karayey iyadoo aanay cidina ogaan qudha ka soo jar ka dibna iskaga kaalay inta aad sariirtiisa dul-dhigto, markaa looma baahnayn taangiyadi iyo awooddii kale ee meesha la keenay.

Ganat: Janaraal Amaane inuu ciidamo diyaarsanayo sidee baad ku ogaateen?

Mingistu: Janaraal Amaane markii uu isku deyey inuu ku hawl-galo qaar ka mid ah ciidamada Qaranka, waanu ogaanay, waxayna wararku naga soo gaadheen meelo kala duduwan. Ta u horaysa waxa la soo ogaaday isaga oo telefoon ku hadlaya oo doonaya inuu ciidanka amarro siiyo, taas oo markiiba war-bixinteeda nala soo gaadhsiiyey, sidoo kale mar kale ayaa la ogaaday isaga oo adeegsanaya isgaadhsiinta ciidamada Qaranka, taas oo la maqlay isaga oo telegaraam kula xidhiidhaya niman taliyayaal ka ah ciidamada oo meelo fog-fog kala joogay, iyadoo ay jirtay guuto ay aasaastay wasaaradda gaashaandhiggu, guutadaasina waxay lahayd xafiis u qaabilsanaa koontaroolidda xidhiidhka ciidamada. Guutadaasi waxay haysatay qalab casri ah oo wixii qarsoodi loo diro iyo wixii si caadi ah oo aan qarsoodi ahayn loo diroba soo gud-bin karayey, wuxuuna xafiiskaasi ahaa laf-dhabarta kulmiya isgaadhsiinta ciidamada lagula xidiidhayo, tusaale ahaan taliyayaasha ciidamada hoos yimaadda guutooyinka kala duduwan marka amarada la siinayo iyo marka ay taliyayaasha hoose war-bixinaha soo gud-binayaan waxa lagu baadhi jiray oo lagu hubin jiray xafiiskan, sidaa darteed dhaqdhaqaaq kasta oo jira meeshaa ayaanu kala socon jiray, waxaana xafiiskaa hogaaminayey nin injineer isgaadhsiinta ah oo aqoon sare leh.

Xiligii maamulkii boqor Xayle Salaase waxa jiray urur khaas ah oo lagu sugi jiray amaanka boqortooyada, laakiin dhinaca kalena ilaaladaa khaaska ahi waxay ahayd mid lagu ilaalinayo kursiga boqortooyada, taas oo ay ujeedadu ahayd hadii uu mucaarad yimaado in lagu burburiyo ama lagaga hortago.

Ilaalada khaaska ah ee madaxtooyada waxa mar hogaamiye ka ahaa janaraal Ababe Gamaada, isla markaana xerada ilaalada ee ku taalay xagga sare ee dhismaha madaxtooyada waxa ku rakibnaa qalab isgaadhsiineed oo casri ah, qalabkaas oo bar-kulmis u ahaa xidhiidhinta meelaha fog-fog, iyadoo uu qalabkaasi koontarooli jiray meel kasta oo dalka gudihiisa ah oo isgaadhsiin lagula xidhiidho, hadii ay tahay telefoon iyo hadii ay taar iyo hadii ay tahay isgaadhsiin kaleba, waxyaalahaasna waxa koontarooli jiray guutada khaaska ah ee ilaalada madaxtooyada...

La soco cadadka 

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Waxaanu hambalyeynaynaa is sharaxaadii madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa
Anaga oo ah xil-dhibaanada ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin oo ka mid ah labada gole ee baarlamaanka Somaliland , isla markaana ka soo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag iyo degmada Buuhoodle waxaanu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa xisbiga UDUB, anaga oo uga hambalyeynayna sharaxaadii ay madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka (Daahir Rayaale Kaahin & Axmed Yuusuf Yaasiin) u kala sharaxeen labada jago ee madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka ee xisbiga UDUB, anaga oo ilaahay uga rajaynayna inay ku guulaystaan doorashooyinka foodda inagu soo hayaa ee lagu dooranayo madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka Somaliland, iyadoo aanu u rajaynayno inay noqdaan kuwo dalkooda, diintooda iyo dadkooda ugu shaqeeya daacadnimo, isla markaana anaguna waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu la shaqayn doono.

Magacyada xil-dhibaanada

  1. Axmed Xasan Saalax

  2. Cawil C/laahi Caydiid

  3. Maxamed Jaamac cabdi

  4. Cali Ismaaciil Jibaar

  5. Maxamuud Yuusuf Cabdi

  6. Yaasiin Ismaaciil Cali

  7. C/rashiid Sh, C/laahi Aadan

  8. Maxamed Cali Warsame

  9. Iyo C/qaadir Jaamac Dheer.

Top


Eedaadka soo maray umul baa Ilowdee

Doorashadii deegannada ee Somaliland qaladaad aan cudur daar lahayn iyo xadgudub badheedh ah ayay ka sameeyeen wasiirada dawladda qaar ka mid ahi. Waxaannan eedahaasi ka daawaday Internetka oo la soo galiyay. Dhammaan shantii xisbi ee Udub kula tartamayay doorashooyinku waxay isku wada raaceen si cadna u sheegeen in fara galinta xukuumaddu ay xad dhaaf ahayd. Wasiirada sida gaarka ah loo magacaabayna waxaa ka mid ahaa wasiirka arimaha gudaha oo goobaha cod bixinta la sheegay inuu ku wareegayay isaga oo aan xaq u lahayn inuu dadka cod bixiyaasha ah la sameeyo wax hadal ah. Goobaha cod bixinta qaarkoodna waxaaba laga sheegayaa caga juglayn iyo shaqaalaha xukuumadda oo lagu haddiday haddanay udub u codayn inay shaqadooda waayayaan. 

Shacabka reer Somaliland waxaan u sheegaya , in sababta loo qaatay doorashooyinka loogana door biday in beelo dawlad lagu keeno ay tahay in wax kasta si xaqa u dhacaan. Adduun weynuhu doorashooyinkeenna il gaar ayay ku eegayaan, taa macnaheedu waxay tahay in doorashooyinka dalka ka qabsooma aanay noqon kuwii Afrika iyo calaamka seddexaad lagu yaqaannay. Adduunku wuxuu eegaya doorashooyinka inoogu horeeyaa hadba siday u bilaabmaan. Wixii dhacay iyo goobaha ay xukuumaddu ku shubatay kama qarsoona dalalka aynu manta aqoonsiga ka raadinayno. Shacabka reer Somaliland ha ka hormariyo danta qaran wax kasta. Dawladdan Somaliland ee manta waxaa dalal badani u arkaa inay si sharci darro ah hantidii guud ee qaranka ugu isticmaalayso xisbiga ay ka soo jeeddo ee Udub iyo doorasho loo wada simanyahay. Hantida qaranka waa ku ammaano dawladda, waana cashurta laga qaado shacabka reer Somaliland. 

Dalaka inna soo eegaya kuma cusba oo hore ayay dalal badan uga soo arkeen ku tagri falka hantida qaran iyo xukuumadda maamulka haysa siday isaga yeelatay hanti loo wada simanyahay. Dalalka ku faana dimuqraaddiyadda qofkii lagu soo caddeeyo inuu doolar xukuumadeed doorasho ku galay xadhig ayuu ku galaa in la doorto daayo!! Runtii dalkeenna maxkamad madaweynaha ka hor timaaddaa ma jirto, waayo isagaa maxkamaddii ah, isaga dawladdii ah, isaga xeerilaaliye ah isagaana xisbigii xibiyada la tartamayay ah. Inkasta oo xisbiyadu u dhawyihiin inay doorashooyinkii deegaanka ay duuduubka ku liqaan, qaladaadkii aan saamaxa lahayn ee xukuumaddu gaysatayna loo dhaafo danta Somaliland, haddana waxaa xaqiiq ah oo xus iyo taariikhba mudan in bal la is wayddiiyo dalkani siduu ku yimid iyo qiimaha uu inagu joogo. 

Dalkani wuxuu qabaa kumanyaal curad,kumanyaal madi , hooyooyin qaxaayay oo xabbad aanay galabsani dishay, caruur sabi ah oo madfac ku soo habsaday aqalkay ku jireenna ku dumiyay qaarna wali ay ku dunsanyihiin. Waxaa lama illaawaan ah dalkan markaad ku soo noqoteen intay miinadu laysay iyo intay naafada ka dhigtay ee u laxaad beeshay bal dib u eega. Waxaa ayaan darro ah in dalkii waxaa loo soo maray ee nabaddiisa loo wada guntaday, ee dawlad dhiskiisa bannaan loo fadhiistay laguna kaliyaystay in manta caddaaladdii, iyo mustaqbalkii laga rajaynnaayay la iska baal maro. Waxaa cad in dalkaa ay hooyinku u soo goblameen inaanay dad badan qiimo u lahayn dan iyo muraadna aanay ka lahayn haba yaraatee. 

Dalalkan qurbaha ee aannu joogno gaar ahaan kuwa reer galbeedka shacabkaa la ixtiraamaa lagana dambeeyaa! Waayo iyagaa loo aqoonsanyahay inay dawlad baddli karaan. Wasiir ka mid wasiirada dawladdan Kanada ayaa malin dhawayd lagu qabsaday lacag $10.000 oo dolar ah oo u soo xisaabiyay dawladda in u isticmaalay huteello iyo taksiyo uu raacay isaga oo shaqo khaas ah ku jira. Shacabka reer Somaliland ha tooso!!! Haddaad ugu codaysaan dawladda hantidii ummadda ee ahayd cashuur la idinka qaaday isa siisay maanta , musuqmaasaqa daahirka ah iyo caddaalad daradaa idiin wada muuqata, dhibkeeda iyo caaqib xumada ay la timaaddo cid kale wax yeeli mayso idinka maahee. Qoraalkaygii waxaan ku soo gabagaynayaa ka tashada codkiinna xaqa ah ee dimuqraaddi, maantay gacantiinna ku jirtaa barri se waxba Kama qaban kartaan.

Maxamud Lafcanbe
Toronto, Canada

Top