Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 237 January 1, 2003

"Xukuumadda Waxa Ka Diyaar Ah Qabashada Tartanka Doorashooyinka Madaxweynaha Iyo Ku-Xigeenka..." - War-Saxaafadeed - Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland

Markab Sida Raashin Itoobiya Leedahay Oo Soo Gaadhay Dekedda Berbera

Agaasimaha Idaacadda Radio Hargeysa Oo Ka Jawaabay Eed Loo Jeediyay

Ninkii Reer Switzerland Ee Hargeysa Lagu Dilay, Maxay Arrintiisu Ku Dambaysay?

Xisbiga KULMIYE Oo Hambalyo U Diray Isbahaysiga NARC Ee Qabtay Talada Kenya

Gabadh ku Dhaawacantay Bohol Gebilaya

HORMOOD Oo Cambaareeyay Dilkii Ninkii Reer Switzerland

Mucaaridka Somaliland Haddii Ay Guul Rabaan Waxa U Banaan Dariiqii Mucaaridkii Kenya Ee NARC

Nabadgelyadu waa Hasha Qudha Ee Ay Maalaan Reer Somaliland Maxaase Hantaaqay?

Bilawgii Xuska Dabaal Dega Sanadka Cusub

RAADYOW MA QALOOCSHE

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Goormaa La Sheegan Karaa Qaran Madaxbannaan?

Badweynta fanka iyo suugaanta

Maraykanka Oo U Diyaargaroobaya Inuu Weerar Ku Qaado Ciraaq.

Maraykanka Oo Sheegay Inuu Ka Aargoosan Doono Dadkiisii Lagu Laayay Yemen

WAADIGA CIYAARAHA

Robbie Fowler oo lala xidhiidhiyay inuu u wareegayo Manchester City

Christophe Dugarry oo ay kooxo u tartamayaan cidii hanan lahayd

Ryan Giggs Miyuu ka wareegayaa Manchester United?


"Xukuumadda Waxa Ka Diyaar Ah Qabashada Tartanka Doorashooyinka Madaxweynaha Iyo Ku-Xigeenka..." - War-Saxaafadeed - Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland

Hargeysa (Haatuf) Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland ayaa soo gaadhay w/haatuf warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta ee Somaliland C/laahi Maxamed Ducaalle wuxuuna u qornaa sidan:

"Xukuumadda JSL, waxa ka go’aan ah, in tartanka doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka ay ku dhacdo, kuna hirgasho muddadii loogu talo galay sida Dastuurka Qaranku Dhigayo.

Xukuumadda waxa ka diyaar ah, imkaaniyaadkii iyo agabkii lagu hirgelin lahaa qabashada tartanka doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka ee 23ka January, iyadoo ku dhawaaqista muddada la qaban doono ay awood u leedahay guddiga doorashooyinka qaranka, iyagoo raacaya Dastuurka qaranka iyo xeerarkiisa.

Ugu dambayn, xukuumadda JSL waxay ku rajo weyntahay inay ku hirgasho qabashada tartanka doorashooyinka Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenku muddada Dastuuriga ah, si aanay u dhicin Marxalad banaani (Vacuum)."

Top


Markab Sida Raashin Itoobiya Leedahay Oo Soo Gaadhay Dekedda Berbera

Berbera (Haatuf) Markab sida shixnad raashin mucaawimo ah oo ay leedahay dawladda Itoobiya ayaa shalay galab abaaro 5:30 soo gaadhay xeebta Somaliland ee dekeda Berbera.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Berbera C/Raxmaan X. Daahir, markabkaas oo sida raashin ay dawladda Itoobiya leedahay oo gaadhaya 20,500 tan oo qamadi ah, waxa uu shalay galab soo gaadhay xeebta Berbera, iyadoo maanta ahaan lagu soo xidhi doono dekedda Berbera, islamarkaana ay bilaabmi doonto dejinta iyo daadguraynta raashinkaas oo loo wado dhinaca Shiniile ee dalka Itoobiya, iyadoo ay qaadi doonaan gaadiidka xamuulka.

Markabkan oo qayb ka ah, shixnado raashin caawimo ah oo loogu deeqay dawladda Itoobiya.
Waxa qandaraaska dejinta iyo rarista raashinkaa qaadatay shirkada FAA.

Top


Agaasimaha Idaacadda Radio Hargeysa Oo Ka Jawaabay Eed Loo Jeediyay

Hargeysa (Haatuf): Agaasimaha Waaxda Idaacadda Radio Hargeysa ee wasaarada Warfaafinta, ayaa jawaab celin qoraala ka bixiyay hadal uu maalintii Isniintii gudoomiyaha ururka HORMOOD, Axmed Muxumed Madar uu ku eedeeyay hawlqabadka Idaacadda Raadyow Hargeysa. Qoraalkaas uu Maxamed Siciid Muxumed, arrintaa kaga jawaabay wuxuu u qornaa sidan:

Gudoomiyaha HORMOOD, Axmed Muxumed Madar oo ka hadlay shir jaraa’id oo shalay (Isniintii) wada jir ay u qabteen ururka HORMOOD, SAHAN iyo ASAD, waxa uu ku yidhi; "Madaxda idaacadda, waxaan leeyahay waa la dhaafay wakhtigii beenta.’ Isagoo kala mid dhigay idaacadda Qaranka idaacadii taliskii Siyaad Barre oo uu yidhi; ‘Idaacadda Radio Hargeysa, waxa u hadhay oo keliya in ay ururadan u qaado Samo diidow dabinbaa kuu xidhan lagugu dili doono.’

Haddaba dhawaaqaasi aan laga fiirsan ee ka soo yeedhay gudoomiyaha HORMOOD, waa gef iyo meel ka dhac uu ula badheedhay guud ahaan Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta JSL, gaar ahaan bahda Idaacadda Qaranka (Radio Hargeysa).

Waxaan xasuusinayaa gudoomiyaha HORMOOD in barnaamijyada Radio Hargeysa ay u kala baxaan qaybaha soo socda:

Waxa kale oo xusid mudan, muddadii tartanka doorashooyinkii dawladaha hoose socdeen in idaacadda Qaranku hadh iyo habeenba baahin jirtay barnaamijyo dheeli tiran oo ku saabsanaa tartankaasi. Dheeli-tirka iyo tayada barnaamijyadaas, waxa qiray oo ku hambalyeeyay idaacadda guddida doorashooyinka, ururada siyaasiga ah, shacbiweynaha iyo jaaliyadaha Somaliland ee dibadaha oo kala socday internet-ka.

Gebo-gebadii, maahmaah baa waxay tidhaa; ‘Nin meeli u caddahay meeli ka madow’ sidaa darteed, gudoomiye haddii baratankii saaxadda siyaasadeed lagaaga badiyay, waanu ka xunnahay in aad maanta cudur-daar ka dhigato codka Qaranka iyo hawlwadeenada idaacadda ee kaaga waayo-aragsan xaaladda wadciga iyo cadaaladda looga baahan yahay warbaahinta oo aan adiga waxba lagaa weydiinayn."

Top


Ninkii Reer Switzerland Ee Hargeysa Lagu Dilay, Maxay Arrintiisu Ku Dambaysay?

Hargeysa (Haatuf): Maydkii Martin Jutzi oo ay dhalashadiisu tahay Swizarland oo habeen hore lagu dilay magaalada Hargeysa iyo reerkii uu ka geeriyooday oo ka kooban laba caruur ah iyo hooyadood ayaa maanta la filayaa in laga dhoofiyo dalka, loona qaado dalka ay u dhasheen ee Swizerland. Laakiin Martin Jutzi inkasta oo ay dhalashadiisu tahay Swazerland, hadana waxa uu ku dhashay magaalada magaceeda la yidhaahdo Niederhonigen oo ku taal dalka Beljimka. 

Sida uu Haatuf u sheegay wasiirka arimaha gudaha dawladda Somaliland, Ismaaciil Aadan in maydka ninkaa iyo xaaskii iyo laba caruur ah oo uu ka tegay maanta loo dhoofin doono dhinaca magaalada Adis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu wasiirku sheegay in looga sii gud-bin doono dalkoodii Swazerland, iyadoo uu wasiirku sheegay inay dawlad ahaan dhamaystireen tabaabushihii iyo isku dubaridkii hawsha dhoofinta maydka iyo qoyska uu ka tegay, waxaana lagu qaadi doona diyaarad khaas ah oo ay dawladda Somaliland kharashkeeda qabto.

Martin Jutzi habeen hore fiidnimadii ayaa lagu toogtay meel banaan oo ka horaysa dhismaha dukaanka Star ee ku yaal xaafadda calaamadaha ee koonfurta Hargeysa, waxayna dad goob-joogayaal ahi sheegeen inuu dhalinyaro ah oo hubaysani toogtay, iyaga oo sheegay inuu dhawr xabadood oo bastoolad ka dhacay kala eegtay Madaxa, laakiin goob-joogayaashu waxay intaa ku dareen inay falka dilka ah ee lagu fuliyey ninkaa ay wax ka fuliyeen ilaa laba-saddex nin oo kale, waxayna dhacdadaasi noqotay mid naxdin leh oo ay guud ahaan dadka Reer Somaliland, gaar ahaana dadka reer Hargeysa firka-nax iyo amakaag ka qaadaan, iyaga oo si weyn uga xumaaday dilkan lama filaanka ah, iyaga oo aad uga naxay dilka foosha xun ee meesha ka dhacay, waana markii u horaysay ee uu magaalada Hargeysa ka dhaco dil noocaas ahi ilaa inta la garanayo.

Sida ay sheegeen saraakiisha taliska boolisku ilaa dhawr iyo toban qof ayaa sababta dilkaa loo qabqabtay, kuwaas oo hadda ku xidh-xidhan saldhigyada booliska magaalada Hargeysa.

Inkasta oo aanay ciidanka boolisku ilaa hadda si cad daboolka uga qaadin in dadkaa la xidh-xidhay uu ka mid yahay gacan-ku dhiiglihii dilka geystay, hadana waxa si weyn loo tuhunsan yahay inuu gacan-kudhiiglihii dilka geystay ka mid yahay dadka xidh-xidhan. 

Laakiin taliyaha ciidanka booliska Somaliland, C/qaadir Muuse oo aanu waydiinay bal inay gacanta ku hayaan gacan-kudhiiglihii dilka geystay iyo weliba dadka kale ee la tuhunsan yahay inay falkaa gacan ka geysteen waxa uu ku jawaabay "Way jiraan dad noo xidh-xidhan oo aanu falkaa u tirinaynaa, laakiin ilaa ay baadhistu noo dhamaato jawaab kama dambays ah kama bixin karno taa." Hase yeeshee taliyaha booliska Somaliland waxa uu intaa raaciyey inay si adag uga gun-gaadhayaan arintaa.

Sida ay wararku sheegeen dad goob-joogayaal ka ahaa goobtii dilku ka dhacay ayaa farta ku fiiqay mid ka mid ah xubnaha dadka ah ee ay boolisku soo xidh-xidheen, iyadoo sida ay wararku sheegeen qofka ay dadkaasi farta ku fiiqeen uu yahay nin dhalin yaro ah oo ay ku tilmaameen inuu falkaa dilka ah geystay, laakiin war xaqiijinaya inay arintu sidaa tahay kama sooo bixin saraakiisha booliska.

Wasiirka arimaha gudaha, Ismaaciil Aadan ayaa isaguna sheegay inay dawlad ahaan hadda wadaan hawl-gal weyn oo ay kaga gun-gaadhayaan arintaa, taas oo uu sheegay inay talaaba adag ka qaadi doonaan cidii uu falkaa dilka ahi ku cadaado, laakiin wasiirka mar aanu waydiinay sababta ninkaa loo dilay inay wax ka ogaadeen waxa uu sheegay inay hayaan warar dhawr dhinac ah oo uu mid-ba sababta ninka loo dilay si u sheegayo, laakiin aanu hadda afka ku dhufan karin sababta runta ah ee ninka loo dilay waxa ay tahay. 

Hase yeeshee wararka qaar waxay leeyihiin sababta ninkaa loo dilay waxay la xidhiidhaa arimo ganacsi, balse ilaa hadda tafaasiil lagama bixin sida ay sheekadu tahay. Sidoo kale waxa iyaguna jira dareemo kale oo tuhun ka qaba inay sababta dilku la xidhiidho arin siyaasadeed, iyadoo ay dadka qaar shaki ka qabaan inay sheekadu ka soo talawday meelo kale. Laakiin ilaa hadda si rasmi ah uma cadda sababta dilku.

Ninka la dilay, Martin Jutzi oo ahaa nin ganacsade ah waxa uu magaalada Hargeysa soo degay badhtamihii sannadkii tegay, iyadoo ay weheliyeen xaaskiisa iyo laba caruur ah oo uu dhalay, waxaana ka mid ah waxyaalaha uu qaban jiray beerista digaagga, laakiin wararka qaarkood ayaa tibaaxay inuu gacanta kula jiray waxyaalo kale oo ay ka mid yihiin ka ganacsiga macdanaha, hase yeeshee nin la yidhaahdo Aadan Faarax oo laanta afka Somaliga ee idaacadda BBC-da u waramay shalay ayaa sheegay in mashruuca beerista digaagga ee uu ninkaasi waday ay shuruk ku ahaayeen saddex nin oo kala ah: Ninka la dilay, nin dalka Holand u dhashay iyo isaga (Aadan Faarax).

Top


Xisbiga KULMIYE Oo Hambalyo U Diray Isbahaysiga NARC Ee Qabtay Talada Kenya

"Guushaasi Waxa ay tusaale ku dayasho leh u tahay Axsaabta Siyaasadda ee Geeska Afrika"

Hargeysa (Haatuf) Xisbiga KULMIYE ayaa hambalyo u diray isbahaysiga NARC ee ku guulaystay doorashooyinkii ka dhacay dalka Kenya dhawaan markii ay ka adkaadeen xisbiga KANU oo hore talada dalkaa u hayay.

Guushaasi oo uu xisbiga KULMIYE ku tilmaamay mid waa cusub u furaya dalalka Afrika isla markaana ah mid ku dayasho mudan si dalalka Afrika ay uga baxaan xukun xumida ku habsatay ee u horseeday dhibaatada culus. Isagoo sheegay in guushaa ay heleen mucaaridku ay u sabab ahayd markii ay isku bahaysteen sidii ay xukuumaddii markaa jirtay xukunka uga tuuri lahaayeen taasoo ay midhaheedii heleen. Iyadoo uu dalkaa madaxweyne ka noqday Mwai Kibaki oo ahaa musharaxii mucaaridka.

Warsaxaafadeed uu xisbiga KULMIYE arrintaa kaga hadlay oo uu ku saxeexanyahay xoghayaha guud ee xisbigaasi Daa’uud Maxamed Geelle isagoo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan:

"Xisbiga Kulmiye waxa uu hambalyo iyo bogaadin diiran u dirayaa Dalaayada xisbiga NARC ee mucaaridka ahaa ee ku guulaystay doorashooyinka madaxweyne nimada iyo hogaaminta dalka Kenya, waxa mid taas la mida uu u dirayaa madaxweynaha cusub mudane Mwai Kibaaki. Hambalyo kaa la mida waxay u dirayaan Raila Odinga oo isna door laxaad leh ka soo qaatay guusha ay hantiyeen isbahaysiga mucaaridka ahaa Guushaas oo aan ku iman si sahlan ee ay dalaayada axsaabta mucaaridka dedaal mudo dheer ku qaatay u Soo galeen si loo xaqiijiyo himiladaas maanta la gaadhay.

Guushaasi waxa ay tusaale ku dayasho leh u tahay axsaabta siyaasada ee ku hawlan siyaasada ee geeska Afrika. Waxa iyana xisbiga Kulmiye uu dirayaa hogaanka xisbiga laga guulaystay ee KANU oo iyana si hagarla' aana ugu hanneeyay uguna hambalyeeyay guusha ay ka guulaysteen dalaayada Axsaabta mucaaridka ah ee NARC. Waxa uu Xisbiga Kulmiye u hambalyaynayaa dadka reef Kenya guushaas ay gaadheen oo ah in ay doorashadu u dhacdo si nabadgelyo ah. 

Taasi waxa ay u horseedi doontaa dadka reef Kenya guul horumar bashbash barwaaqo, nabadgelyo iyo xasilooni waarta. Waxa uu wadanka Kenya uu ku gaadhi doonaa guushan horumar waara kaas oo dan inoo wada ah.

Waxa kale oo guusha manta Kenya gaadhay ay tahay mid inoo ah waa cusub oo Afrika u curtay loo baahanyay in lagu wada daydo si dadkeenu uga baxo kadeedka is xukun xumada ee haysta ee sababta u ah burburka iyo baaba ah. Reer Afrika ee inaga hortaagan in aynu haybsano horumar sida caalamka kale". Ayuu ku soo afjaray warsaxaafadeedkaasi.

Top


Gabadh ku Dhaawacantay Bohol Gebilaya

Gebilay (Haatuf) Hodan Maxamed Ismaaciil oo ah gabadh 18 jir ah ayaa dhaawac soo gaadhay, ka dib markii ay ku dhacday bohol ay dawladda hoose ee Gebilay shan iyo toban maalmood ka hor ka qoday dhinaca galbeed ee sariibadda ee magaaladda Gebilay.

Gabadhaa oo ay gurmadeen dadweyne farabadan ayaa laga soo saaray bohoshaa ay ku dhacday weriyaha Gebilay ee Haatuf oo wax ka weydiiyay dhakhaatiirta Cusbitaalka Gebilay ayay u sheegeen inay gabadhaasi qabto dhaawacyo iyadoo dhawr meelood ka jabtay.

Madaxa waaxda faya dhawrka ee dawladda hoose ee Gebilay Rashiid Xasan Barre ayaa isaguna weriyaha u sheegay in aanay qodista bohoshaas wax lug ah ku lahayn balse uu masuul ka yahay xoghayaha fulinta ee dawladda hoose Maxamed Ciise Dhergiye.

Dhibaatada ay bohoshani u gaysatay gabadhaa ayaa dhalisay su’aal ah sababta ay dawladda hoose dabool u saari wayday godadkaa ay qoday, taasoo halis ku ah dadka iyo carruurta iyagoo ka qodan goob ay dadku aad ugu badan yihiin oo ah agagaarka sariibadda Gebilay.

Top


HORMOOD Oo Cambaareeyay Dilkii Ninkii Reer Switzerland

Hargeysa (Haatuf): Ururka HORMOOD, ayaa cambaareeyay dilkii loo gaystay maalintii dorraad ninkii u dhashay Switzerland, Juitz Martin oo ay niman dabley ahi rasaas ku fureen, isaga oo ka soo baxay Star Mini Market.

Afhayeenka Ururka HORMOOD, Axmed Sandoon oo dhacdadan dilka ah ka hadlay, ayaa ku tilmaamay inuu ahaa fal naxdin leh oo fajac ku noqday dadka reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaana dadka reer Hargeysa oo uu lama filaan ku noqday.

Afhayeenku, isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu cambaareyn dusha uga tuuray dembiilayaashii falkaa geystay, isaga oo xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in gacanta lagu soo dhigo, isla markaana cadaaladda la mariyo, wuxuuna shacbiga Somaliland ku booriyay in ay gacan ku siiyaan ciidamada ammaanka, sidii loo soo qaban lahaa dambiilayaashaas falka dilka ah geystay.

Ugu dambayntiina, waxa uu Axmed Sandoon u soo jeediyay shacbiga reer Somaliland in ay ilaashadaan nabadgelyada iyo xasiloonida ay haystaan, dhacdadana aanay noqon mid wax u dhinta xasiloonida buuxda ee dalku maanta haysto. 

Arrintan, waxa uu Afhayeenku ku soo qaaday hadal ku waajahan munaasibadda sannadka cusub ee maanta kowsaday, isagoo ummadda reer Somaliland u rajeeyay in ay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan bashbash iyo barwaaqo, nabadgelyada iyo horumarka Somaliland-na noqdo mid sii labanlaabma.

Top


Mucaaridka Somaliland Haddii Ay Guul Rabaan Waxa U Banaan Dariiqii Mucaaridkii Kenya Ee NARC

Liibaan Maaweel Shire

Mwai Kibaki ayaa doraad loo dhaariyey madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, wuxuuna bedelay madaxweynihii hore, Mr Moi.

Mwai Kibaki waxa uu hogaamiye ka yahay xisbiga shilis ee la magac baxay Isbahaysiga jeegaanta ee mucaaradka, marka magaciisa la soo gaabiyana la yidhaahdo NARC, waxayse guusha mucaaradku ku timi is-gaashaan-buuraysigii ay sameeyeen, taasian waxay keentay inay markii u horaysay ka guulaystaan xisbiga KANU ee sannadaha badan ka talinayey dalka Kenya, laakiin xisbiga KANU waxa ka sharaxnaa ninka la yidhaahdo Uhuru Kenyati, waxaana Uhuru Kenyati dabada ka waday mr Moi. Laakiin hogaamiyaha mucaaradka Mwai kibaki ayaa guul lama filaan ah oo aad u balaadhan ka soo hooyey ninkii ka sharaxnaa xisbiga KANU ee awoodda gacanta ku hayey, iyadoo uu Mwai Kibaki 63% helay dadkii codkooda ka dhiibtay doorashadii madaxweynenimada dalka Kenya, halka uu mushaarxa KANU helay 30% inka yar.

Guusha uu soo hooyey xisbiga mucaaradka Kenya waxay jawiga siyaasadda Kenya ku soo kordhisay neecow cusub, wuxuuna madaxweynaha kursiga ku fadhiistay khud-badiisii u horaysay ku sheegay ballan-qaadyo badan oo wax qabad, isaga oo ballanqaaday inuu dalkiisa u horseedayo horumar iyo isbedel siyaasadeed oo sal-balaadhan, waxaana ka mid ah waxyaalaha uu carrabka ku dhuftay inuu wax ka qabanayo la dagaalanka musuqmaasuqa sida weyn u hadheeyey xaaladda dhaqaale ee dalka Kenya.

Jamhuuriyada Somaliland oo inka badan toban sannadood ahayd dawlad madax banaan ayey hadda ruxaysaa dabaysha hanaanka xisbiyada badan, iyadoo dalka in lagu dhaqo hanaanka siyaasadeed ee axsaabta badan uu dhigayo distoorka Somaliland oo isna loo codeeyey bihsii May ee 2001.

Markii u horaysay ee si rasmi ah loogu dhawaaqay in la furan karo ururo siyaasadeed waxa samaysmay ilaa 9 urur-siyaasadeed, laakiin aakhirkii waxay isugu soo urureen lix urur oo keliya, kuwaas oo isu diiwaangeliyey tartanka madaxtinimada.

Marka laga reebo UDUB ee ay ku bahoobeen maamulayaasha dawladdu, shanta urur ee kaleba waxay ahaayeen mucaarad talada banaanka ka jooga, waxayna mucaaradku UDUB had iyo goor si kulul ugu canbaareeyaan inay isticmaaalan hantida ioy awoodda dawladda ee ummadda ka dhaxaysa.

Tartankii doorashadii dawladaha hoose ee dalka ka dhacday 15-kii bishii diisambar ee sannadkiii tegay markii lagu dhawaaqay natiijada cod-bixintii doorashada ee loo gud-biyey guddiga diiwaangelinta si ay u qiimeeyaan kala reebista ururada siyaasadda waxay guddigaasi sheegeen inay UDUB, KULMIYE iyo UCID u aqoonsadeen xisbiyada soo baxay, laakiin saddexda urur ee kala ah HORMOOD, SAHAN iyo ASAD ayaa canbaareeyey natiijada doorashada iyo go’aanka guddiga diiwaangelinta ee kala reebista axsaabta, iyaga oo ku andacooday inay wax waliba musuqmaasuq u dhaceen. Hase yeeshee arintu sida ay doonto ha ahaatee ururada UDUB, KULMIYE iyo UCID waxay goor hore isugu bishaareeyeen inay yihiin xisbiyada soo baxay. Balse marka taa laga yimaado waxa kaabiga inoo soo saarran doorashadii madaxweynaha ioy madaxweyne-kuxigeenka, iyadoo uu madaxweyne Rayaale oo ah gudoomiyaha UDUB ioy kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin ay goor is-cadeeyeen inay yihiin musharaxiinta UDUB ee labada jago ee madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka. 

Hase yeeshee marka la eego xaddiga badan ee uu xisbiga Daahir Rayaale ka xariiqday doorashadii golayaasha degaanka waxay isu arkaan isaga iyo ururkiisu inaanay cidina agtiisa soo mari karin, taas oo ay axsaabta mucaaradka laftooduna dareensan yihiin, iyaga oo leh mar hadii uu hogaamiyaha UDUB gacanta ku hayo hantidii iyo awoodii dawladda cidina waxba ka qaadi mayso, laakiin xisbiyada mucaaradku si ay u helaan guusha ay gaadheen isbahaysiga jeegaanta ee mucaaradka Kenya waxa u banaan inay bahoobaan, isla markaana ay samaystaan hogaamiye qudha, hadii ay sidaa sameeyaana waxa suurtooda inay mucaaradku qawlal geliyaan xisbiga UDUB ee dugsanaya awoodda iyo hantida dawladda.

Top


Nabadgelyadu waa Hasha Qudha Ee Ay Maalaan Reer Somaliland Maxaase Hantaaqay?

Faallo: Cumar D. Cumar

Waxay u socdaan laba layn oo is barbar socda waxay siteen qoryo fudud oo uu ugu weynyahay baasuukuhu waxay dhexmarayeen wadooyinka Hargeysa, waxaa dhex socday nin dhuuban oo timo weyn oo isagu qoriga uu sitay, uu u dheeraa buug uu gacanta ku sitay, ninkaasu wuxuu ahaa ciidanka watay sarkaal Milatari oo lagu naanayso (Jidhif) haddana ka hawl galla hay’adaha miino saarka waqtigaasi wuxuu ahaa, badhtimihii sanadii 1991kii bilo ka dib dawladda Somaliland ee lagu soo dhisay magaalada Burco, Jidhif iyo ciidankiisu waxay baadigoobayeen xiligaas cid sidata hub iyo cid riday rasaas, si ay sharciga u mariyaan, ciidankaasi wuxuu awood u lahaa inuu toogto cidii uu yidhaa hubka dhig ee dhigi wayda. 

Waxaana sidaa wada saxeexay in ka badan boqol caaqil oo ahaa deegaanka Hargeysa si loo sugo amniga, Jidhif iyo ciidankiisii waxay sugayeen amniga xarunta Somaliland ee Hargeysa oo xataa aanay dhici jirin qof iska ridi kara rasaas, awoodii ciidankaa amniga ee uu taliyaha u ahaa Jidhif waxaa wiiqay muran siyaasadeed oo soo ifbaxay muddo ka dib, waxaana dhacday in heerkii nabadgelyadu ay hoos u dhacdo, tusaalahani wuxuu tilmaan u noqon karaa dhacdadan dhacday maalintii ugu dambaysay ee sanadkii 2002, ee shalay oo la dilay maqribnimadii nin u dhashay dalka Switzerland oo ku noolaa Hargeysa, dhacdadaas iyo jawiga siyaasadeed ee Somaliland oo kacsan maalmahan danbe waa arrin soo gali karta diirada falanqaynta muxuu ahaa falka lagu dilay Martin ma shirqool buu ahaa, Ma shaqsi wax maagay buu ahaa qofka dilay, arrintani waa mid cida la weydiiyaa ay siyaalo kala duwan uga jawaabi karaa, waxaa isweydiin leh iyana muuqaalkee ayay leeyihiin masuuliyiinta ciidanka amaanka ee qaabilsan hawlgalinta booliska marka lagu dhiiraday dhacdo aan hore uga dhicin Hargeysa xiliyo xataa uu maamulku intan ka jilicsanaa.

Waxaa iyana su’aal u baahan dilka ka dib fursada uu ku baxsaday gacan ku dhiiglihii dilkaa gaystay ama gacan ku dhiiglayaashii.

Sideedabana arrimaha nabadgelyada ka hortaga ayaa u muuqda mid ka wax tar badan hawlgalka dhib dhacay ka dib, guud ahaan dilka ka dib saacad gudaheed aad ayay uga war heleen dadweynuhu ku nool Hargeysa in uu dhacay fal dil ahi, waxaanay muujiyeen sida ay uga xunyihiin dhacdadaas oo aad moodaysay in xabada lagu dhuftay Martin ay ahayd xabad ku dhacday dadka reer Hargeysa iyo dhamaan Somaliland.

Sidii uu doono ha u dhaco cidii doontaa ha ka danbayso falka lagu dilay Martin. Maalintii isniintii waa dhagar ka mida dhagaraha laga galay beni-aadminida iyo nabada ku wada noolaanshaha, dhinaca kale waxay u tahay digniin maamulka Somaliland oo ay u banaantahay in ay qaadaan ama joogteeyaan talaabooyinkii lagaga hortagi lahaa talaabooyin la mida dilkaa Martin. Waxaana lagama maarmaana in la baadho dhinac walba sida cadawga dibada, xurguf siyaasadeed oo gudaha ah, masuul ku xumee wada iyo dhinac kasta oo loo tuhmi karo arrintaas dilka ah, sababtuna waxay tahay nabadgelyadu waa hasha qudha ee ay maalayeen reer Somaliland, maxaa hantaaqay?

Waa in la helaa cidii hantaaqday oo sharciga la mariyaa.

Top


Bilawgii Xuska Dabaal Dega Sanadka Cusub

Sida ay taariikhdu xustay waxa markii ugu horeysay la xusay bilawgii sanadka cusub ee taariikhda waqti ahayd 45 sanadood ka hor dhalashadii Nebi Ciise (45 BC), xiligaas waxaa la xusay oo loo dabaaldegay 1-da January, ee taariikhda loogu magacdaray Julian Calendar.

In yar uun ka dib markii uu Julius Ceasar uu noqday kaligii taliyaha xukuma Roomaaniyiiinta ayuu go’aamiyaya in la raaco taariikh sanadeed uu ugu magac daray (Julian Calendar), taariikhda uu u isticmaalay Julius ee uu ku bilaabay xuska sanadka cusub waxay ahayd mid soo baxday qarnigii 7aad ee ka hor dhalashadii Nabi Ciise (CS) "BC", Roomaaniyiintii waxay isku dayeen in ay taariikh sanadeedka u isticmaalan dayaxa (Lunar).

Maanta oo ah 1-dii January 2003, waxay dunidu isugu hambalyaynaysaa bilawgii sanadka cusub ee 2003 oo ka soo bilaabanaya dhalashadii Nabi Ciise (CS) oo ku dhashay Beytul-Laxam taariikh hadda laga joogo 2002 sanadood, taariikhda ka soo bilaabanta dhalashadii nabi ciise (cs) waxaa dunida looga yaqaan Fiscal year, waxay ka bilaabantaa 1-da January, waxaanay ku dhamaataa 31 December, afartii sanadood mar ayay February noqotaa 29 maalmood waxaa loo yaqaan "Leap Year", sanadkaa taariikhdan ayaa inta badan ay dunidu ku isticmaashaa maamulka.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegeysan jirteen mawjadihii kal hore, akhyaartayada Illaahay yaqaanow, waxaynu soo gaadhnay amintii warkii dunida, laakiin maanta waxaan idin hulluuqsiinayaa bahal hees ah oo duco ah, oo la tallaabsanaysa sannadka tawsan-tawsan tiriiga. Heestan markii la samaynayay ereyadeeda anigiyo ri tuugo ah, ayaa isku dirirnay, muusigeeda markii la garaacayna hangoolbaa ku kala jabay, markii laxanka la saarayayna tiyaatar baa ku dumay, waxaana ku luuqayn doonta Fannaanada heesaha xadda, Xulbado Afdhuub.

Hees

Dhirin.. dhirin .. dhiriirim
Sannad waliba furiniyo
Wuxuu roodhi leeyahay
Waa laga cunaayoo
Laga soo cantuugaa.

Sannad waliba quruxiyo
Qafqaf iyo iswaaliyo
Qufac iyo qaadiro
Wuxuu qumayo leeyahay
Waa laga qoraayo
Hadhow laga qadhiidhaa.

Qaar kaa horeeyoo
Kurusaa na dhaafee
Kii noo samaadee
Marna nagu samaadee
Mar sii samaadee
Sallaxmee hagaagee
Somaliland taa
Samawaadka mariyee
Sonkoreeya kaa yeel.

Sannadkii la mahadshee,
Marna lagu mirqaamee,
Dadku wada mabsuudee
Mustafaysma kaa yeel.

Sannadihii na dhaafee
Sumsumee isdaba galay
Midna mid uma ekeyn,
Seben tuur lahaa iyo
Sannad toosanbaa jiray.
Sannad tuug badnaa
Mid sandheerle baa jiray.
Mid barwaaqo badaniyo
Mid busaaradlaa jiray.
Mid xanuuno badanoo.
Hargab miidhanaa jiray.
Mid daruurro badanoo
Di’I waayay baa jiray.
Mid distoor samaystoo
Doorashooyinlaa jiray.
Sannad guurku badanyoo
Lays wada furaa jiray.

Kii noo hagaagee
Noo horukac qaadee
Na habeeya kaa yeel.
Allahaw, naq nabadiyo
Nabsi baxa wax noo roon
Allahayow jir nookeen.
Jir jacayla noo keen
Jirda gooye muu da’o
Muu jidhaamo buuxsamo
Qofba jeeg ka dhaansado.
Bal may jeexyo caashaqi
Xaafaddaa jiidhaan.
Dhallinyarada jalaqsani
Kalgacayl jiboodaan
Jeesba jees dambaabidho
Jalxadaa xubigu wado
Jeesba jees la tiigsado.
Dadkii jacaylku dhaawaco,
Maa joonyad lagu guro.
Jaanbad caashaq lagu guray
Qufda may ka saaraan
Aanu rabashka daynee
Allahow raxmadaadiyo
Roob Lacag ah noo keen.

Dawladda iyo ururada
Roob aan laynin noo keen.
Ubadkiyo islaamaha
Ibtilaynin noo keen.
Daaraha dulmigu galo
Mid dumiya noo keen.
Dumarka isbuufshana
Darayeenya noo keen.
Cudurrada dilaaga ah
Dam ka siiya noo keen.

Allahayow daruur keen
Daruur caafimaad keen/
Tuug dabarto noo keen.
Daacad toosis noo keen.
Doorashada lafteedana
Mid aan didinin noo keen.
Siyaasiga xanaaqana
Mid xasilisa noo keen.
Saaqidka sakhraankana
Mid safaysa noo keen.
Allahayow ballaayada
Mid bog iyo mid baabaco.
Birta gaalo sidatiyo
Buush dirkiisiyo
Bunulaadinkoodiyo
Nimankaa isbaacsada
Allahow na baal mari.
Bulshadayda eebaw,
Burcad mari bogoodaba.
Anna baadidaydii
Baafinteeda ahawoo
Isku kaayo soo beeg.
Xisbiyadan fadlinayiyo
Raggan foodka naga rabee
Aduun baa fahmaayee
Midkii fiican noo door.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  1. Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  2. Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 57aad

Mingistu: "Janaraal Amaane markii uu yidhi Ereteriya ciidamo lama geynayo ee hadii la doono taangiyo hala geeyo ayaan ku idhi taangiyada aad sheegayso ee aad leedahay Ereteriya hala geeyo xagee bay kaa xigaan, miyaanay ahayn kuwa yaal Qabri-dahare iyo Jig-jiga maxaanu ku soo qaadaynaa, waayo ma haysano wixii taangiyada lagu qaadi jiray, ta kale taangiyadu ma laha bayteriyo, waayo dawladda Maraykanka ee inoo keentay inta ay soo isticmaashay ayey iska soo tuurtay, markaa xataa hadii la yidhaahdo taangiyadaa hala kaxeeyo waynu garanaynaa inay jidka istaagayaan, iyaga oo aan Casab gaadhin , laakiin janaraal Amaane marka uu leeyahay taangiyada hala geeyo waxa uu is lahaa uun yaan la odhan wuu diiday in arinta Ereteriya wax laga qabto, balse muu doonayn haba yaraatee inay ciidamadu si dhakhso ah u gaadhaan Ereteriya oo ay wax ka qabtaan xaaladda halkaa ka taagan. 

Ta kale marka uu na lahaa taangiyo halkaa hala geeyo waxa laga yaabaa inuu is lahaa iyagu waxba ka garan maayaan istaraatijiyadda iyo hawl-galada ciidamada, sidaa darteed waxa uu doonayey inuu waqtigu nagaga lumo jiid-jiidista taangiyada duugga ah ee aan meelna gaadhayn, taas oo uu doonayey in inta aanu taangiyada baalidka la rafanayno inay shuftada Ereteriya ku dhawaaqaan madax banaani.

Nimanka shuftada ah ee ka dagaalamayey Ereteriya waxay isticmaalayeen habka dagaalka ee la yidhaahdo "Ku dhufo oo ka dhaqaaq" (Gorilla war), iyaga oo sitay hub ay ka mid yihiin: baasuukayaal, qoriga kaaraha lagu gubo iyo qoryaha kale ee fud-fudud ee boobayaasha fud-fudud, sidaa darteed waxay ahaayeen niman inta ay soo dhuuntaan oo ay wax geystaan, ka dibna yaacaya, isla markaana waxay isu qayb-qaybiyeen koox koox ay koox waliba ka kooban tahay shan-shan ama hadii ay ugu bataan toban-toban nin, laakiin may ahayn ciidamo guuto-guuto ka kooban oo leh fadhiisimo waaweyn. 

Tusaale ahaan markii aanu taangiyada isticmaalayna waxay ahayd markii aanu la dagaalamaynay ciidamadii Somaliya, waayo iyaguba waxay ku dagaalamayeen taangiyo, laakiin taangiyada aanu kula dagaalamaynay ciidamada Somaliya waxa noo soo saamaxayey dhulka banaanada ah ee Ugaadeeniya, laakiin shuftada Ereteriya ka dagaalamaysay waxay geli jireen dhulka buuraleyda ah, sidaa darteed looma baahnayn taangiyo, mar hadii ay sidaa tahayna ciidanka shuftadaa la dagaalami karayey waxa uu ahaa ciidanka lugta oo qudha. Sidaa awgeed markii aan janaraal Amaane waxaan ku idhi, "Adigu waxaad tahay sarkaal janaraal ah oo khibrad u leh aqoontu milateriga, sidoo kale aniga iyo rag kalena waxaanu nahay gaashaanlayaal aqoon milateri leh iyo sidoo kale waxa halkan fadhiya laba xididglayaal milateri iyo wax la mid ah , markaa doodi kama taagan in tabta shuftadaa lagula dagaalami karaa ay tahay ciidanka lugta, markaa maxaa kugu kelifaya inaad tidhaahdo buuraleyda aad garanayso taangiyada baaliga ah ee aan meelna gaadhayn, buuraleydana ka dagaalami karayn haloo diro Ereteriya," sidaa marka aan leeyahayna waxaan doonayey bal inaan janaraal Amaane ka dhaadhiciyo arinta, laakiin waxba igama ismicin ee waxa uu ku sii adkaystay mawqifkiisii hore, isaga oo yidhi, "ma noqonayso sidaa." 

Hase yeeshee intaa kuma aan joojin ee maalin kale ayaan qabtay shir ay inta badan goob-joog ka ahaayeen janaraaladii ugu aqoontu iyo kartida badnaa, isla markaana ugu magaca weynaa saraakiisha Itoobiya, shirkaas oo uu janaraal Amaanena goob-joog ka ahaa, laakiin markii aan shirka furayey maan odhan janaraal Amaane sidaa iyo sidaa ayuu yeelay ama yidhi ee intaan shirkii furay ayaan idhi "Arimaha noocan kale oo ahi marka ay yimaadaan istaraatijiyadii lagu dhaqmi lahaa maxay noqonaysaa", laakiin waan sii waday hadalka, waxaana idhi, " Tusaale ahaan hadii aynu Ereteriya u dirno taangiyo sidee ayaad u malaynaysaan inay xaaladdu noqonayso", su’aashaa markii aan soo jeediyey ayaan sii wad-waday hadalka, waxaana idhi, "Hadii aynu sidaa yeelno sidee bay xaaladdu u dhici kartaa, ilayen idinku laftiinu ciidan baad tihiin miyaydaan garan karin sida ay xaaladdu noqonayso, tusaale ahaan Ereteriya hadii taangiyo la geeyo maxay ka qaban karaan ayaad u malaynaysaan, ta kale hadiiba aynu is nidhaahno taangiyo geeya Ereteriya miyenu haynaa wixii lagu daad-gurayn lahaa ee la saari lahaa taangiyadaa, isla markaana waqti ma haysano, waayo shuftada dagaalamaysaa ilaa intaa inama sugayaan ee way ka faa’iidaysanayaan, balse kama soo qaad inaynu geyno taangiyo geyno Ereteriya, hadii aynu sidaa yeelo oo ay taangiyadu ilayn waxba tari maayaane ay noqdaan dundumooyin Casab dusheeda taag-taagan, maxaynu markaa iskaga difaaynaa hadii ay ciidamada Somaliya ina soo weeraraan oo ina baabi’iyaan ileyn waynagaa taangiyadii inaga celin lahaa ee ka dagaalami lahaa banaanada iska fogaynaye, laakiin dadkii shirka joogay ayaa qudha ku dhawaaqay, "ma waxaad leedahay xuduudka dhinaca Ugaadeeniya ha iska furaado oo aynu banayno, taasi ma dhici karto". Laakiin mar kale inta aan dhinaca janaraal Amaane u jeestay ayaan la hadlay waxaana ku idhi " Waad maqlaysay fekradda ay askartu ka qabeen arintan, isla markaana dhinaca siyaasadda marka laga eegana si wanaagsan bay u fahmayaan, tusaale ahaan Tasfaaye Walda Salaase waxa uu ka mid ahaa raggii Ereteriya soo joogi jiray, adigana warbixinaha ku soo diri jiray, anigaana Tasfaaye halkaa u diray, waxaana ku idhi inta xaaladda halkaa ka jirta si wanaagsan u soo baadhaan waxaad hibaysay inoo keen, markii uu soo noqdayna wuxuu yidhi sida ugu dhakhsaha badan hadii wax looga qaban waayo oo ay Ereteriya laba maalmood oo dambe sii ahaato sidan ay hadda tahay way ku daysay, hadii ay sidaa aan idin leeyahay wax iska bedelaama aniga carrabka hala iga jaro.

Tasfaaye warbixinta uu maalintaa Ereteriya ka soo ururiyey waxa uu ku mutaystay inuu aakhirkii noqdo taliyaha nabad-sugidda, waayo waxay ahayd warbixin aad iyo aad run u ah, taas oo uu wax walba si sax ah uga soo waramay, una soo hubiyey, isaga oo wixii soo arkay si cad u soo bandhigay, isla markaana Tasfaaye waxa uu ahaa nin leh karti iyo aqoon uu markiiba ku arki karo sida ay xaaladdu tahay. 

"Marka la eego sida ay hadda xaaladda Ereteriya tahay hadii ay laba maalmood oo dambe gacanteena ku sii jirto nasiib ayeynu leenahay"ayuu yidhi Tasfaaye. Laakiin janaraal Amaane ayaa isaga oo si hanjabaad leh ula hadlaya Tasfaaye waxa uu ku yidhi "maxaad sheegaysaa, xagaad ku soo aragtay waxan aad sheegayso", markaas ayuu Tasfaaye hadana yidhi "Miyaan ku celiyaa mudane, waan ku celinayaa, ee hadii aynu laba maalmood oo dambe dib uga sii dhacno Asmara faraheena way ka baxaysaa", laakiin janaraal Amaane inta uu karoox iyo cay isu raaciyey ayuu ku yidhi "Xagee baad ka keentay sheekadan xun ee aad sheegayso xaaladdu sidaa ma aha..."

La soco cadadka dambe.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Waxaanu Codsanaynaa In Nalaga Qabto Kuwa Na Dhibaya

Anaga oo ah dadka ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, waxaanu ka mid nahay muwaadiniinta da’yarta ah ee ku nool suuqa dhismaha xisbiga ee gobanimo, laakiin waxa 30-kii Diisambar, 2002 weerar ay naxariis daro ka muuqato nagu soo qaaday niman ganacsato ah oo horena magacyo ugula baxay suuqa gobanimo, nimankaas oo bacadlayaal ka dhistay suuqaa, kuwaas oo si gaar ah ugu danaystay hanti badan oo dadka laga qaaday, isla markaana iyaga ayaa iska fuudh yeelay dhismayaashii dadka loo qaybinayey, laakiin iyadoo ay waxaas oo dhibaato ahi hore noogu dhaceen ayey nimankaasi mar kale maanta nagu soo noqdeen, waxayna noo soo kiraysteen baabuur iyo ciidamo oo ay si qaldan wax ugu soo turjumeen, iyadoo la duminayo meelihii aanu ku noolayn.

Hadaba markii aanu ogaanay in wixii aanu u soo dhimanay ee aanu xaqa u lahayn naloo ogolayn ayaanu go’aansanay inaanu cabashadaayda halkan ku soo bandhigno si ay u ogaadaan dawladda iyo dadweynuhuba.

Maxamed Xuseen Sh. Siraad, Jimcaale Maxamed Ciise iyo Khadar Buureed, Hargeysa

Top


Goormaa La Sheegan Karaa Qaran Madaxbannaan?

Garyaqaan Xasan Yaasiin Maxamuud

Garyaqaan Xasan Yaasiin Maxamuud oo degan magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil ayaa qoraalkan u soo gudbiyay wargeyska Haatuf, Garyaqaan Xasan isagoo talo ka bixinaya xaalada waqtigan ee Somaliland wuxuu yidhi, "walaalayaal haddaad tihiin shacabka reer Somaliland ha noqonina shacabkii 1960kii markii aynu gobonimada helnay ee siyaasiyiinta iyo waxgaradkoodii talada ka maroorsaday ee yidhi shuruud la’aan noogu shuba Xamar iyo Soomaali Weyn, taasoo aynu ognahay halaagii iyo hoogii laga dhaxlay oo inagu qaadatay waqti dheer la soo noqoshadeedii ilaa maanta aynu ka soo kaban la’nahay diiftii iyo dakharadii ay inoo gaysatay, waxaan shacbiga reer Somaliland kula talinayaa inay iska daayaan cadifada aan daraasada lahayn oo ay hubsadaan meesha iyo cida ay u dhiibanayaan aayahooda qaranimo ama ay ku aaminayaan.

Marka hore walaalayaal waxaad ogaataan in siyaasadu tahay been run u eg, beentuna waa khiyaamo, haddaba markii ay soo dhawaadeen doorashooyinkii dawladaha hoose waxaa dhacay olole farabadan oo lagu kala jiidanayo shacbiga reer Somaliland iyo balanqaadyo khiyaali ah, taasoo ay ururadu siyaasiga ah ee dalka ku loolamayaa uu mid waliba midka kale doonayo in uu khiyaaliga kaga badiyo.

Haddaba waxaan idin kula talinayaa shacabka reer Somaliland-dow in aad ogaataan goormaa la sheegan karaa qaran madaxbanaan, qaar badani waxay ku odhanayaan waa markii ictiraaf la helo, goormaase doorasho xalaal ah la samayn karaa?

Waa marka ay kuu sugantahay sohdinta iyo xuduudii aad la leedahay dawladaha aad la dariska tahay, sida ku cad qodobka 2aad ee dastuurka Qaranka iyo qodobka 112aad ee distuurka qaranka, booqashadii uu M/weyne Rayaale ku tagay gobolka Sool iyo weerarkii ay ku soo qaadeen ciidamo kasoo duulay goboladii hore loo odhan jiray Majeerteeniya, waxaa isweydiin leh ciidanka qaranku gurigii M/weynuhu ku degay haddaanu ka xigin dhinaca soomaaliya waxa uu booqashada ugu tagay Laas-caanood, waxaa jira wax afka qalaad lagu yidhaahdo (potential crime) taasoo ah khatarta booqashada Madaxweynaha ka iman karta in laga sii fikiro.

Ururada siyaasada waxaan kula talinayaa maahmaah soomaaliyeed baa tidhaahda "Haddii degdegsiiyo door dhalaan, kaadsiiyana kiish lacag ah bay dhalaan" waxaan idin leeyahay yaan shacabka reer Somaliland idin moodin qaar doonaya inay hogaanka dalka maroorsadaan oo u tartamaya gurigii yaraa ee taliyihii qaybta 26aad dhisay, yaan la idin moodin qaar aan miisan siyaasadeed lahayn (political weight) oo dadka iyo dalka ay ku hogaaminayaan, ereygiina siyaasadeed ha ahaado mid aan laga dhadhansan cagajuglayn iyo hanjabaad ee ha noqdo mid daraasad qoto dheer leh oo aad codka ummadda ku kasbataan maydaan abaarin halkii aad kaga guulaysan lahaydeen xisbiga fadhiidka ah ee UDUB.

Haddaba waxaan idin kula talinayaa shacabka reer Somaliland-daw inaad ka fiirsataan oo daraasad ku samaysaan cidda aad ku aaminaysaan aayihiina qaranimo.

Xisbiga talada wadanka hayana waxaan kula talinayaa sohdinta dalka iyo xuduudihiisa wax ka qabta.

Garyaqaan Xasan Yaasiin Maxamuud Berbera Saaxil

Top


Badweynta fanka iyo suugaanta

Yuusuf Cismaan: Waa Hal’Abuur Da’ Yar

Yuusuf Cismaan Cabdile oo lagu naanayso shaacir waxa uu ka mid yaha da’ yarta hadda Madaxa la soo kacday ee hal-abuurka suugaanta, gaar ahaan dhinaca gabayada.

Yuusuf waxa uu ka mid yahay ragga da’da yar ee dedaalka ugu jira sidii ay buuxin xiligooda u buuxin lahaayeen kaalinta suugaaneed ee ay banneeyeen ama banayn doonaan hal-abuuradii dhinaca suugaanta ee ka horeeyey.

Yuusuf-Shaacir oo ay da’diisu gaadhayso ilaa dhawr iyo soddon sannadood waxa uu waraysi uu Haatuf siiyey ku sheegay inuu ilaa hadda tiriyey ilaa dhawr iyo soddon gabay inka badan, kuwaas oo uu sheegay inay ku salaysan yihiin waxyaalo kala duduwan.

"Gabayadaydii ugu caansanaa ee aan tiriyey waxay ahaayeen kuwo aan dhinaca nabadda ka tiriyey xiliyadii nabadaynta beelaha"ayuu yidhi Yuusuf Shaacir, isaga oo intaa ku daray "Gabayadaa nabadayntu waxay ahaayeen kuwii aan ku soo baxay," laakiin Yuusuf Cismaan mar la waydiiiyey waxyaalaha uu ka gabyo wuxuu yidhi "Qaybaha nolosha ayuun baan ka gabyaa, hadii ay tahay dhinaca siyaasadda, hadii ay tahay dhinaca dhibaatooyinka, hadii ay gabayada jacaylka ah iyo hadii ay wax kale tahayba." Laakiin Yuusuf Cismaan mar la waydiiyey bal qaabka uu mustaqbalka ku talo jiro inuu uga midho dhaliyo suugaanta waxa uu sheegay inuu laba dhinac ka wado hawsha suugaanta, balse labada dhinac ee uu sheegay isaga oo ka hadlaya wuxuu yidhi "Dhinaca waa dhinaca hal-abuurka, laakiin hawshaa taa ka culus ee aan wadaa waxay tahay ururinta suugaantii hore, taas oo aan ururiyo wax alaale wixii suugaan la tiriyey qarniyadii iyo xiliyadii tegay, hadii ay tahay gabayo, geeraar maah-maahyo IWM." 

Laakiin waxa uu intaa ku daray marka laga yimaado wixii suugaan ah ee uu hore u tiriyey inay hadana ka go’an tahay inuu hal-abuur cusub oo suugaaneed sameeyo.

Dad badan oo arimaha suugaanta ka faallooda ayaa werwer ka qaba inay suugaanta iyo beeshooduba isla dabar go’aan, iyaga oo sababta ay uga waerwersan yihiin ay tahay iyadoo aanay da’yarta soo koraysaa u muuqan kuwo bedeli karaya raggii suugaanta ee kaalinta baneeyey ama banayn doona mustaqbalka dhow, laakiin Abwaan Yuusuf Cismaan oo la waydiiyey bal inay isaga iyo ragga la ayniga ahi isu arkaan inay yihiin niman buuxin kara kaalinta suugaaneed ee ay baneeyeen ama ay banayn doonaan ragga ka horeeyey wuxuu ku jawaabay "Horta suugaanta Somalidu laba xili ayey ugu xoog badnayd, xili waa Qarnigii 20aad, sida raggii Raage Ugaas ioy wixii la mid ah, xilina waa ragga ay ka mid yihiin Hadraawi iyo Gaariye, balse waxa jirta jiil-jiilka uu ka dambeeyo waxa laga yaabaa inaanu kaalintooda suugaaneed buuxin raggii ka horeeyey, laakiin anaga jiilkayaguna waxaanu ku dedaali doonaa inaanu sii hayno raadka suugaanta."

Top


Maraykanka Oo U Diyaargaroobaya Inuu Weerar Ku Qaado Ciraaq.

Baqdaad (W. Wararka) Dawladda maraykanka oo isku diyaarinaysa weerar ay ku qaado dalka ciraaq ayaa maalmahanba ciidamo iyo qalab milatari ku soo ururisay Gobolka Gacanka, iyadoo la sheegay in ciidamadaasi sugayaan amar ah weerar ay ku qaadaan dalka ciraaq.

Laba markab oo ah kuwa diyaaradaha xambaara ayaa ku sii jeeda biyaha khaliijka, waxaana la sheegay mid ka mida maraakiibtaas inuu sido (80) diyaaradood iyo ciidamo gaadhaya (5000) askari, wasaaradda difaaca ee maraykanka ayaana sheegtay in ciidamo iyo qalab kale oo milatari ay ku sii jeedaan gobolka khaliijka.

Dhinaca kale xoghayaha guud ee qaramada midoobay Koffi Annan ayaa laga soo xigtay inuu yidhi ma filaayo weerar uu maraykanku ku qaado ciraaq ilaa uu go’aan ka soo baxo golaha amaanka ee qaramada midoobay. Isagoo intaa ku daray in aanu jirin wax haatan ku kelifaya maraykanka weerar kedis ah oo ku qaado ciraaq.

Dawladda ciraaq ayaa iyaduna dhinaceeda sheegtay in ay weeraro isdaba joog ah ku hayaan dalkeeda diyaaradaha maraykanka iyo ingiriisku, iyadoo weerarkii ugu dambeeyay maalintii doraad ay ku dhinteen (3) qof 16 kalena ku dhaawacmeen markii ay diyaaradaha dalalkaasi weerar ku qaadeen magaalada Basra ee koonfurta ciraaq. 

Wasiirka arrimaha dibadda ciraaq Naaji Sabri ayaa waraaq uu u diray golaha amaanka ka codsaday in si degdeg ah loo joojiyo weerarada lagu hayo dalkiisa.

Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo ay baadhayaasha hubka ee qaramaada midoobay hawshooda ka wadaan gudaha magaalooyinka ciraaq.

Top


Maraykanka Oo Sheegay Inuu Ka Aargoosan Doono Dadkiisii Lagu Laayay Yemen

Sanca (W. Wararka) Dawladda maraykanka ayaa ku balanqaaday in ciqaabi doonto cidii ka dambaysay dilkii loo gaystay saddex dhakhaatiir ah oo maraykan ah maalintii doraad kuwaasoo uu nin hubaysan ku dilay dhakhtar ku yaala degmadda Jubla oo dhinaca koonfureed ka xigta caasimadda Sanca.

Islamarkaana dawladda maraykanku waxay ka dalbatay dawladda Yemen in la sugo amaanka dadka dalkeeda u dhashay ee ku sugan dalka Yemen.

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee maraykanka ayaa si kulul u cambaareeyay falkaa dilka loogu gaystay saddexda maraykanka ah dalka Yemen, oo uu sheegay inay hawlo samafal ah u fidinayeen dadka reer Yemeneed. Isagoo intaa ku daray in dawladda Maraykanku ay ciqaabi doonto cidii ka dambaysay dilkaasi, oo uu sheegay in lagu tuhunsanyahay inay cilaaqaad la leeyihiin ururka Al-Qaacida. Balse afhayeenku waxa uu ka gaabsaday in falkaa lagu tilmaamo, mid argagixiso ku lug leh.

Madaxweynaha maraykanka ayaa isaguna cambaareeyay falkaa dilka ah, isagoo ka hadlayay xaflad lagu xusayay sanadka cusub 2003.

Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa dhambaal tacsi ah u diray madaxweynaha Maraykanka isagoo balan qaaday in ay iskaashi buuxa ku siin doonaan maraykanka sidii loo ciqaabi lahaa cidii ka dambaysay falkaa dilka ah.

Dhinaca kalena waxa weli ka socda dalka Yemen baadhitaan ku saabsan cidii ka dambaysay dilka loo gaystay saddexda dhakhtar ee maraykanka ah oo la kala odhan jiray William Koehn, Martha Myers, Kathleen Gariety, oo hawlo dhinaca caafimaadka ah ka waday degmada Jubla. Ilaa hadda ma cadda cidii ka dambaysay dilkaasi, balse ciidamada amaanka ayaa wada baadhitaanka arrintaasi. Dadka u dhashay maraykanka ee ku sugan dalka Yemen oo tiradooda lagu qiyaasay 30,000 oo qof ayaa werwer ka qaba xaaladooda amaanka ka dib dilka loo gaystay saddexda dhakhtar.

Top


WAADIGA CIYAARAHA

Ciyaaryahanka Kenyenda Ee Reer Malawi oo ku biiraya Marseille

Weeraryahanka ciyaarta kubadda cagta ee Caalamiga ah Esan Kanyenda ee u dhashay dalka Malawi, ayuu sannadkii tegay ugu dhammaaday sannad wacan, kadib markii uu helay heshiis uu muddo sannad ah ugu ciyaari doono kooxda Heerka Koowaad ee Faransiiska ka mid ah ee Olympique Marseille.

Essau Kenyenda oo Warbaahinta uga waramay fursadiisan cusub, ayaa yidhi dabayaaqadii toddobaadkii tegay; "Hadda waxaan u diyaar ahay si wanaagsan inaan qaato fursadan."

Haddii uu Kenyenda ku guuleysto heshiiskan, wuxuu noqonayaa ciyaartoyga labaad ee reer Malawi ah ee ka ciyaara Yurub. Kenyenda waa 20 jir, waxaanu guul ka soo hooyay ciyaarihii uu saftay 12-kii bilood ee tegay.

Toddobaadkii tegay Essau Kenyenda, wuxuu helay maamuuska dalkiisa ee ah inuu yahay xidigii sannadka 2002 ee dalka Malawi. Waxa kale oo loo magacaabay aqoonsiga Cosmos ee ciyaartoyda safka hore ee ciyaaraha Koonfur Afrika, kadib markii uu horyaalkaa dhaliyay 17 gool. Waxa kale oo uu Kenyenda dalkiisa u kasbay in ay yimaadaan ciyaartii kama dambaysta ahayd COSAFA Castle Cup ee bishii September 2002, Naadiga uu u ciyaaro ee Flames uu gaadhsiiyay guusha Coca Cola, waxaana isaga loo caleemo saaray ciyaartoygii kulanka Coke, kadib markii uu helay gool dhaliyaha ugu sareeya.

Top


Robbie Fowler oo lala xidhiidhiyay inuu u wareegayo Manchester City

Kooxda Manchester City, ayuu maamulkoodu ka gaabsaday inuu ka waramo warar soo baxay oo xusaya inuu dhinacooda u soo jeedo weeraryahanka Robbie Fowler ee kooxda Leeds.

Maamulaha kooxda Manchester City, Kevin Keegan, ayaa rumaysan in ay diyaar tahay sidii meesha looga saari lahaa weeraryahankii hore ee kooxda Liverpool oo dhawaan ka soo kacay dhaawac ka gaadhay xubnaha isku xidha gacanta. Mr. Keegan, wuxuu cadeeyay inuu doonayo inuu ciyaartoy ku soo xoojiyo kooxdiisa marka bishan January ay furmaan fasaxa ay kooxuhu kula kala wareegi karaan ciyaartoyda .

Kooxda Leeds, ayaa iyadu beenisay in wax xidhiidha lagala soo sameeyay la wareegista Fowler, laakiin waxaa dhici karta in ay doonayaan dhaqaale ay ku kabaan dhaqaalahooda hoos u dhacay, si taasi ugu suurto gashana ay ku tallaabsan karaan in ay sarriftaan wareejinta Fowler oo ah ciyaartoy ay da’diisu tahay 28 jir.

Madaxa Manchester City, Keegan oo ka hadlaya qorshe ay kooxdiisu ciyaartoy kula soo wareegayso, ayaa yidhi; "Waxaanu ku jiraa baadi-goobka meel ama laba meelood, laakiin waxa aanu u baahanahay waa tiro yar, uma baahnin tiro faro badan, haddii ay suurtogal noqoto, waxaanu isku dayi doonaa heshiisyada amaahda ciyaartoyda ee naadiyada dhexdooda. Waxaan u malaynayaa in aanu nahay Naadi wanaagsan oo lagu soo biiri karo, waxaana leenahay wadajir dhab ah iyo hibo, kuwaas oo isku darkooda leh natiijo."

Warkani wuxuu intaa ku daray in ay kooxda Leeds ku doonayso Fowler in laga siisto 11 milyan oo Gini, laakiin waxaa iyana jirta in madaxa kooxda Manchester City aanu diyaar ahayn inuu ka bixiyo wax ka badan 7 milyan oo gini marka uu furmo fasaxa ay kooxuhu kula kala wareegi karaan ciyaartoyda bishan.

Waxaa isna khadka la soo wareegista ciyaartoyda ee tababare Keegan ku jira Djamel Becmadi oo ah weeraryahan reer Aljeeriya ah oo u safta kooxda Marseille ee Faransiiska.

Madaxa kooxda Manchester, Keegan, isagoo ka hadlay heerka ciyaareed ee kooxdiisa, waxa uu yidhi, "Weli waxaan maskaxda ku hayaa in kooxdayadu ay ka mid noqoto lixda ugu sareeya, haddii aanad bartilmaameed u samayn ciyaartoyda waxaa suurta gala in ay meel dhexe iska ahaadaan. Suurtogal kuuma aha in aad ka loolanto qaybtan, adiga oo aan ahayn koox adag. Kooxdayadu weli ma aha mid baaxadaa, taas ayaa ah tan aan xaqiijinayno in ay noo suurto gasho. Halkaas ayaa socodkayga ka sii wadayaa, haddii la ila gartana waxaanu ka dhigi karaa Naadi weyn oo baaxad leh."

Top


Christophe Dugarry oo ay kooxo u tartamayaan cidii hanan lahayd

Kooxda Birmingham, ayaa ilaa hadda ugu fadalo cadcad inuu dhinacooda u soo wareego ciyaaryahanka Chritophe Dugarry oo ka ciyaara weerarka, una dhashay Faransiiska. Laakiin, waxaa iyaguna ku tashanaya in ay la soo wareegaan Dugarry, kooxaha Tottenham iyo Manchester City. 

Dugarry, waxaa la hubaa inuu ka wareegayo kooxda Bordeaux marka uu kala wareegu furmo. Dugarry oo 30 jir ah, wuxuu sheegay garyaqaankiisa u hadla Philippe Sol in aanay weli wada hadalo u bilaaban Kooxaha u gacan haadiyay inuu u soo wareego Dugarry. Philippe oo arrintaa ka hadlayaa, waxa uu yidhi; "Christophe ma saxeexayo wax heshiis ah toddobaadkan, sababtoo ah ma jiraan wax wada hadalo ah oo bilaabmaya wax ka horeeya toddobaadkan soo socda. Birmingham, ayaa weli hogaaminaysa, laakiin Tottenham iyo xataa Manchester City, ayaa fursad leh."

Dugarry, wuxuu hore ugu saftay kooxaha Bordeaux, AC Milan, Barcelona, Olympique Marseille, intii uuna laba sannadood ka hor dib ugu soo noqon kooxda Bordeaux.

Top


Ryan Giggs Miyuu ka wareegayaa Manchester United?

Ciyaaryahanka ka ciyaara baalaha ee kooxda Manchester United, ayaa waxba kama jiraan ka dhigay warar faafay oo ku sheegayay inuu u wareegayo dhinaca kooxda Inter Milan. Warkaas oo tilmaamaya in uu ciyaaryahankaa Giggs ee reer Wales uu u kici doono kooxda Talyaaniga ah ee Inter Milan, warkaas oo laga soo xigtay saxaafadda Talyaaniga ka soo baxda.

Gigs oo arrintaa uga waramay BBC Radio-5, ayaa yidhi; "Anigu waxba kama odhanayo wararka suuqa galay waa sidaa wakhtigan, annigu ma jirto wax warar oo aan ku waramay. Waxaan la galay heshiis shan sannadood ah kooxda Manchester United, afar sannadood ayaa ii dhammaatay, aad ayaanan ugu faraxsanay."

Giggs wuxuu saxeexay sannad ka hor heshiis kale oo shan sannadooda oo uu la galay Manchester United, waxaanu arrintaa ka yidhi Giggs; "Markii aan saxeexay heshiiskan sannad ka hor, waxaan idhi; waxaan doonayaa in aan xirfadaydan shaqo ku dhammaysto Manchester United. Waa taa dhammaadkii sheekadani, afar sanno ayaa iiga hadhay heshiiskayga cusub."

Giggs, isagoo ka hadlaya ciyaarihiisa xilli-ciyaareedkan u dambeeyay, waxa uu yidhi; "Aad ayaan raali uga noqday kaalintii ciyaareed ee aan buuxiyay ciyaarahan, waayo waxaan dhammaystay ugu dhowaan dhammaan ciyaarihii kooxdu safatay oo dhan."

Giggs, dhaawac kacdoon lahaa oo kaga yaalay jilibka dhiniciisa, ayuu doorkan ka ladnaa oo aan marna ku soo kicin, taas ayaa u saamaxday inuu ciyaaro badan safto.

Top