Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 241 January 7, 2003

Badheedhaha wargeyska

Maleeshiyada Majeerteeniya Oo Ka Firxatay Ciidamada Somaliland Oo Gaadhay Ceerigaabo

Madaxweyne Rayaale Iyo Koox Salaadiin Ah Oo Jilbaha Is-Dhigay Kulan Ay Ku Lafa-Gureen Xaaladda Gobolka Sool

Jaamacadda Hargeysa Kaalmo Dhaqaale Iyo Talo Ayay Uga Baahan Tahay Dadkeeda

Madaxweynaha Ciraaq Sadaam Xuseen Oo Baadhayaasha Hubka Ku Tilmaamay Basaasiin

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Hadii Xaqa La Diido Waa Ayaan Darro

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

RAADYOW MA QALOOCSHE

Daymada Daryeelka Deegaanka

Waadiga Ciyaaraha

Nayjeeriya oo ku biirtay dalalka Afrika ee doonaya martigelinta koobka adduunka ee 2010

Leeds oo ogolaaty in Lee Bowyer uu u wareego Birmingham


Badheedhaha wargeyska

Haa Xorriyadda Hadalka, Haddana Xurmayn Sharci!!

Qofku xor ha noqdo in aragtidiisa uu u madaxbannaanaado, ha yeesho xorriyad uu ku tilmaami karo wixii khaldan ee aan sharciga waafaqsanayn, ha yeesho awood uu kaga hadli karo haddii gef sharci uu jiro, qaab dhaqankaasi waa ka saldhiga u ah habka loo yaqaan dimuqraadiyadda, laakiin waxaa dhinac socda xaqa dastuuriga ah ee hadalka uu qofku u madax-bannaan yahay.

Shuruuc qofka xaddidaysa heerka xorriyaddaas oo ka ilaalinaysa in uu ku xad-gudbo xadka ay xorriyaddaasi leedahay ee gefka ku noqon karta danta guud ee umadeed iyo karaamada qofeedba, sida ay u tahay arrin loo baahan yahay xorriyadda hadalku ayay shuruucda xakamaynayaana u yihiin kuwo loo baahan yahay si aanay u lumin qiimaha iyo macnaha xoriyadda hadalka iyo qoraalka, arrintani waxay xidho u tahay in xoriyadda hadalka aanay ka mid ahayn ereyada waxyeelayn kara nabadda, sumcadda danta guud, ama aan ahayn war maray dariiqii looga baahnaa.

Marka la eego hirgelinta xoriyadda dhinaca hadalka, waxaa iyana lagama maarmaan ah inay dhinac socoto hirgelinta shuruucda tilmaamaysa kala sooca xorriyatul-qawlka gefka ah ee aan ku habboonayn, hadalka gefka ah ee aan ku haboonayn in la qoro iyo in hadal ahaan fagaare iyo si gaaraba loogu isticmaalo si guud iyo si gaara toona iyo hadalka saxa ah ee ku haboon.
Marka la eego hawlaha saxaafadda ayay arrintani noqonaysaa mas’uuliyada u weyn ee ku dhaqankeedu uu lagama maarmaanka u yahay, waxaana laf-dhabar u ah in suxufi waliba uu isagu sidiisa u yahay nin aan cidina u tilmaamin ilaalinta danta guud ee qaran marka la eego kaalinta hawsha uu hayo ee saxaafadda, suxufiga waa in uu cid wlaba uga aragti horeeyaa ereyada faafintooda iyo qoraalkooduba ay gefka ku yihiin qarankiisa, waajibkan aynu xusnay waa mid si siman ugu waajiba saxaafadda madaxa-bannaan iyo tan dawliga ahba.

Guud ahaan lama moogaan karo in heerka dal walba uu marayo dhinaca dhisme, korriin, iyo horumar inay qayb ka noqonayso nooca saxaafadda ee ka jirtaa dalkaa, waana shaki la’aan in saxaafad walba ay ka waranto inta badan dhacdooyinka ku badan degaank ay ka hawlgasho, laakiin waxaa loo baahan yahay in suxufigu uu kala saaro rumaysnaantiisa shaqsiyadeed, iyo xaqiiqada ku dhaqanka hawsha saxaafadda oo u baahan in loogu dhaqno sida ay yihiin xeerarkoodu.

Dhinaca Somaliland saxaafaddu waxay ahayd mid lagu tilmaami karo hawl uu qofku ku shaqeeyo mutadawacnimo 12-kii sannadood ee tegay waqtigooda u huray inay qaybta u weyn ka qaataan wacyigelinta nabadgelyada, daryeelka caafimaadka, xuquuqda banii’aadamka, wax ka qabashada baahiyaha aas-aasiga ah, la socodsiinta wararka dalka iyo kuwa dunida, miinada iyo dhibaatooyinkeeda, hub ka dhigista, waa arrin la fahmi karo dhibta kahor-iman karta hawl-wadeen ka hawlgalay saxaafad xor ah oo dalkaa iyo dadkaa muddo badan aanu ka jirin saxaafad xor ahi, guud ahaan gacan-siinta saxaafadda xorta ah ee Somaliland waa mid ka mid ah tallaabooyinka horumarinta Somaliland. 

Dhinaca kale, ilaalinta xeerarka ku san saxaafadda iyo danta guud ee umadeed waa mid ku waajib ah hawl-wadeenada saxaafadda ee Somaliland.

Top


Maleeshiyada Majeerteeniya Oo Ka Firxatay Ciidamada Somaliland Oo Gaadhay Ceerigaabo

Dadweynaha Reer Ceerigaabo Oo Ciidamada Ku Soo Dhaweeyay Caleemo Qoyan Iyo Mashaxarad

Ceerigaabo (Haatuf): Maleeshiyaadka hubaysan ee dhowaan soo galay degaamo ka mid ah gobolka Sanaag ee bariga Somaliland ayaa la sheegay inay labadii maalmood ee ina dhaafay ka firxadeen jiidihii ay soo galeen ee gobolka Sanaag, wuxuuna firxadkoodu sida la sheegay ka dambeeyey markii ay gobolkaa gaadheen cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland, sidaana waxa sheegay wasiirka arimaha gudaha dawladda Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan.

Wasiirka arimaha gudaha oo aanu xalay arintaa wax ka waydiinay ayaa sheegay inay maleeshiyaadkii dhinaca maamul-goboleedka Garoowe ka soo talaabay ee soo galay jiidaha dhulka Somaliland ay intoodii badnayd dib ugu firxadeen dhinicii ay ka yimaadeen, ka dib markii ay gobolka Sanaag gaadheen cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland.

Dhinaca kalena sida ay noo xaqiijiyeen dad goob-joog ah oo aanu la xidhiidhnay, iyaga oo magaalada Ceerigaabo jooga shalay barqadii ayey magaala-madaxda gobolka Sanaag gaadheen cutubyadaa ciidanka Qaranka ahi, waxaana la sheegay inay ciidamada Qaranka jiidahaa si weyn ugu soo dhoweeyeen dadweynaha degaamada gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo.

Cutubyada ciidanka Qaranka ee gobolka Sanaag gaadhay waxay ka bixitimeen qaybaha galbeed ee ciidamada Qaranka, waxaana la filayaa inay tegistooda jiidahaasi dadweynaha degaamadaa ka bogsiinayso werwer ay ka qabeen dhinaca nabadgelyadooda, iyaga oo ka baqe qabay inay xasiloonidooda waxyeelo u geystaan maleeshiyaadka hubaysan ee dhinaca maamul-goboleedka Garoowe iskala soo talaabay, iyaga oo is-baacsanaya.

Maleeshiyaadka hubaysan ee ay dirirtu ka dhexayso oo dabayaaqadii toddobaadkii hore ayey qaarkood ka soo talaabeen xuduudaha bari ee Somaliland, iyadoo uu dagaalkaasi u dhexeeyo ninka madaxda ka ah maamul-goboleedka Garoowe, C/laahi Yuusuf Axmed iyo dhinaca ka horjeeda ee uu horkacayo ninka la yidhaahdo janaraal Cadde Muuse. Laakiin sida ay tibaaxeen wararka ka imanaya jiidaha bariga Somaliland waxa maleeshiyaadka iska soo horjeeda ee ay dirirtu ka dhaxayso ku kala biiray maleeshiyaad kale oo ka soo kala jeeda beelaha Warsangeliga iyo Dhulbahantaha ee bariga Somaliland.

Top


Madaxweyne Rayaale Iyo Koox Salaadiin Ah Oo Jilbaha Is-Dhigay Kulan Ay Ku Lafa-Gureen Xaaladda Gobolka Sool

Ma Run baa Madaxweyne Rayaale waxa uu ka fiirsanayaa ka noqoshada Xukunkii degdegga ahaa ee uu ku soo rogay Gobolka Sool

Hargeysa (Haatuf): Koox salaadiin ah oo u badan salaadiintii mudada saddexda bilood ah hawl-galka nabadeed u joogay gobolka Sool ayaa doraad qasriga madaxtooyad kulan albaabadu u xidhan yihiin kula yeeshay madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxayna labada dhinac kulankaa kaga sheekaysteen arimo la xidhiidha dhinaca siyaasadda iyo xaaladah cusub ee waqtigan xaadirka ah ku soo kordhay dalka Somaliland.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo kulankaa u dhuun-daloolaa salaadiintaa iyo madaxweyne Rayaale waxyaalaha ay isla soo qaadeen waxa ka mid ahaa: Ciidamada ku hirdamaya awoodda maamul-goboleedka Puntland ee dhowaan isla soo galay gudaha Somaliland iyo saamaynta uu dagaalkaasi ku yeeshay Somaliland, sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadleen halka uu dhamaystirkoodu ku dambeeyeen hawlihii ay weftigii cuslaa ee ay salaadiintu horkacayeen ka soo qabteen gobolka Sool iyo jawaabihii ay dawladdu arintaa ka bixisay.

Sida ay wararku tibaaxeen salaadiintu waxay madaxweyne Rayaale u tibaxeen inay saluugsan yihiin sidii loo agaasimay safarkii uu madaxweyne Rayaale ku tegay gobolka Sool iyo weliba talaabadii xukunka degdegga ah ee uu madaxweyne Rayaale dhowaan ku soo rogay gobolka Sool, waxayna salaadiintaasi madaxweyne Rayaale u bandhigeen sida aanay ugu qanacsanayn talaabada xukunka degdegga ah ee la saaray gobolka Sool, iyadoo ay wararka qaarkood tibaaxeen inay salaadiintu madaxweyne Rayaale ka codsadeen inuu ka noqdo go’aankiisa xukunka degdegga ah, taas oo sida ay wararku sheegeen ay salaadiintu xukunka degdegga ah ee gobolka Sool la saaray ku tilmaameen talaabo ay u arkaan inay wax sii fogaynayso, balse aanay waxba soo dhowaynayn, sidaa darteed-na waxay salaadiintu ku taliyeen in meesha laga saaro xukunka degdegga ah, taana lagu bedelo istaraatijyad kale oo wax lagaga qabto xaaladda gobolka Sool.

Inkasta oo aanay kulanka dhexmaray salaadiintaa iyo madaxweyne Rayaale warar rasmi ah ka soo bixin, hadana waxay wararku sheegeen inuu madaxweyne Rayaale ka fiirsanayo codsiga salaadiintu u soo qadimeen ee ah inuu gobolka Sool ka qaado xukunka degdegga ah, iyadoo ay wararka qaarkood leeyihiin waxay u egtahay inuu madaxweyne Rayaale aqbalayo codsiga salaadiinta, sidaa darteedna ay suurta gal tahay inuu waqti aan fogayn qaado xukunka degdegga ah ee saarran gobolka Sool.

"Madaxweynaha waxaanu u soo bandhignay inuu xukunka degdegga ah ka qaado gobolka Sool, maadaama aanu gobolka ka jirin maamul dhab ahi"sidaa waxa yidhi qof wax ka ogaa kulankaa.

Sida ay wararka qaarkood tibaaxeen salaadiintii hawl-galka nabadeed ka soo fuliyey gobolka Sool ioy madaxweyne Rayaale isuma nafsad wanaagsanayn tan iyo intii ay salaadiintaas iyo weftigii kale ee weheliyey dib ugu soo laabteen magaalada Hargeysa, waxaana taa sababteeda lagu tilmaamay, iyadoo ay madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisu baal-ka dhaafeen ku dhaqanka ama tixgelinta warbixinihii iyo talooyinkii ay weftigii hawl-galka gobolka Sool u soo gudbiyeen madaxweynaha iyo xukuumadiisa, taasna ay salaadiinta iyo raggii kale ee weheliyey u arkaan inay tahay sababta murugga dambe keentay.

Weftigii salaadiintu hogaaminayeen ee hawl-galka ku tegay gobolka Sool markii ay Hargeysa ku soo laabteen talooyinkii ay bixiyeen waxa ka mid ahaa in gobolka Sool loo diro saraakiil ciidan oo qarameeya maleeshiyaadka reer Sool iyo in magaalada Laascaanood loo qodo ceel biyo macaan leh iyo waxyaalo kale, laakiin inkasta oo la sheegay inuu madaxweyne Rayaale bilowgii hindisayaashaa aqbalay, hadana waxay dad badan ugu muuqatay inay madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisu qaateen istaraatijiyad siyaasadeed oo ka suurad duwan sidii ay weftigu ku taliyeen, ka dib markii uu madaxweyne Rayaal habeen ka dib soo guryo-noqoshadii weftiga xayn wasiiro ah ku cayntaariyey gobolka Sool, kuwaas oo ay ujeedadoodu ugu muhiimsani ahayd inay u gogol-xaadhaan socdaal uu madaxweynuhu ku tago gobolka Sool, taas oo uu madaxweyne Rayaale laftiisuna wax yar ka dib jarmaado ku galay gobolka Sool, laakiin waxaa kala kulmay dagaal culus, ka dib markii ay ciidamo hubaysan oo ka soo duulay dhinaca xarunta maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf ee Garoowe weerar huwiyeen madaxweyne Rayaale iyo weftigiisii, taasina ay keentay inay madaxweynaha iyo weftigiisu ka soo firxadaan gobolka Sool, sidaana uu ku guul-daraysto socdaalkii madaxweynuhu, laakiin dadka qaar, gaar ahaan weftigii gobolka Sool ka hawl-galay waxay guul-darada safarkii madaxweynaha ee gobolka Sool iyo duruufihii siyaasadeed ee ka dhashay u arkaan inay tahay mid ku timi maamul-xumo la xidhiidha sidii loo agaasimay gogol-xaadhkii safarka madaxweynaha.

Marka la eego ayaamihii ay weftigu soo afjareen hawl-galkoodii gobolka Sool waxa muuqatay yididiilo siyaasadeed, waxayna wararkii hawl-galka weftigaa ka dib soo baxay iftiimiyeen inay qaddiyadda siyaasadeed ee reer Sool meel dhow timi, laakiin intii ka dambaysay socdaalkii madaxweyne Rayaale iyo talaabadii xukunka degdegga ah waxay u muuqataa inay wax iska bedeleen sheekadii taagnayd maalmihii weftiga oo ay arinta Sool hadda murugsan tahay. Laakiin salaadiintii iyo raggii kale ee hawl-galkii lagu guulaystay ee gobolka Sool hormoodka ka ahaa waxay hadda leeyihiin hawshii dhaxal-galka ahayd ee aanu soo qabanay noqon mayso hal-bacaad lagu lisay, sidaa darteedna waxay salaadiintaasi hadda damacsan yihiin inay mar kale ku rogaal-celiyaan gobolka Sool, iyaga oo leh xukun degdeg ahi meel aanay dawladduba itaal ku lahayn waxba ka tari maayo ee talo kale haloogu noqdo, waxayna wararku tibaaxeen inay salaadiintani kulankii ay madaxweyne Rayaale la yeesheen taa lafteeda ugu bandhigeen, laakiin wararku ma tibaaxin waxa uu mudane Rayaale taa ka yidhi iyo hadii ay salaadiintu ku adkaystaan inay gobolka Sool mar kale u tafaxaytaan inuu so dhowayn doono iyo inkale.

Marka taa laga yimaado talaabada xukunka degdegga ah ee lagu soo rogay gobolka Sool ilaa waxba ma soo kordhin, waxaadna moodaa inay baylahda gobolka Sool sii taf-dheeraatay tan iyo intii xukunka degdegga ah lagu dhawaaqay, taas oo ay dadka qaar leeyihiin xukunka degdegga ahi keliya waxa uu noqday "Wax badso wax beel bay leedahay."

"Markii ciidamadii meesha joogay mushaharkii yaraa laga jaray, madaxdii maamulka gobolkana Hargeysa la fadhiisiyey ayey hadal-hayntii Somaliland-ba yaraatay, taas oo aad moodo inay xaaladdii gobolku sii fogaatay", sidaa waxa ku tiraabay nin dhowaan ka yimi gobolka Sool oo uu weriye Haatuf ka tirsani kala sheekaystay sida ay hadda tahay xaaladda gobolka Sool, marka la isku soo ururiyana waxa la odhan karaa xaaladda gobolkaasi waa mid murugsan, laakiin gobolka Sool oo qudha maahee hadda waxa muuqata inay guud ahaan-ba xaaladda bariga Somalialnd tahay mid murugsan.

Top


 

"Madaxweyne Rayaale Oo Sharcigu U Hiiliyay Lagama Filayn Sharci-Darro"

Afhayeenka Ururka HORMOOD, Axmed Sandoon Xasan

Hargeysa (Haatuf): Ururka HORMOOD, ayaa sharax dheer ka bixiyay sidii ay u dhacday iyo natiijadii ka soo baxday doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka, iyagoo tilmaamay in ay wax badan oo cadaalad-darro ahi dhaceen.

Afhayeenka HORMOOD, Axmed Sandoon Xasan, ayaa na soo gaadhsiiyay qoraal dheer oo uu arrintaa kaga hadlayo, iyadoo uu qoraalkaasi jawaab u yahay hadal dhawaan ka soo yeedhay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, waana kan qoraalkii oo faahfaahsan:

"Intaan doorashaba dhicin, Waxa mar la isla gartay in diwaangelin la sameeyo lixda magaalo madax iyo gabilay waxaanay ahaan lahayd arrin hadi daacad laga yahay waxay tarto mooyee aan waxba xumayseen, balse xukuumadda oo ku talagashay in aanay waxba socon ayaan uba soo dirin goobihii diwaangelinta bilayski dadka kala hori lahaa ama se amniga ilaalin laha, dabadeedna waxa dhacday in intoodii badnayd goobahaasi, inankii wax qorayey iyo miiskiisba la xambaartay, komishanka laftiisu arrintaa xil iskamay saarin, waayo dadkay soo dirtay may ahaynba xil kas oo qofkaba sare u may eegayn, dabadeedna waxa la ogaa in wixii fowdo noqotay, ku tala galka maanta la fahmayna waxay ahayd in aan wax diwaan gelin ahi ka suuro galin si tuugada iyo ku shubashadu ugu sahlanaato, tirada dadkuna aanay ugu sugnaan.

Talaabadii labaad ee loogu talogalay in ururada qaar lagu reebo gaar ahaan Hormood waxay ahayd markii xukumaddu ogaatay taageerada dadka reer sool iyo reer sanaag bari, ku soo muujiyeen wargaysyada, xubno badan oo golaha dhexe ee UDUBNA ka baxeen ururkaba, sidaa darteed waxaanu dib ka fahamnay in dadka reer sool iyo sanaag oo runti Somaliland aad ugu heelan balse u baahan cid ay is fahmaan oo tixgelisa arrimo badan oo ay ka tirsanayeen waligoodba kana tirsanayeen xukumadii Marxuumki iyo tan M/wayne Rayaaleba, in ay siyaasiyan ururka ay dooranayaan noqday HORMOOD una diyaar garoobeen in ay si wayn u soo dhaweeyaan ururka iyo Murashaxa ururka Mud. Cumar Carte Qaalib oo khaasatan reer sool u diyaariyeen 100 faras oo ay ku soo dhaweeyaan waftiga Hormood oo qorshihiisu ahaa in uu laas caanood si balaadhan ugu tago, arintaasi waxay fadhiga ka kicisay Madaxweyne Rayaale iyo xukumadiisa waana arinta ku kaliftay in uu si kadis ah ugu amba baxo Laascaanood isagoon meelkalena sii marin, safarkaas oo ahaa in uu laba arimood mid uun kala soo kulmo gobolka sool. Waa ta hore e, hadii waxba uga socon waayaan, amni darona ka muuqato gobolka Sool in u yidhaa meeshaa dorasho kama dhici karto, sidaana meesha looga saaro codbixintii reer Sool oo Hormood ku lahayd nasiibka u wanaagsan.

Waa ta labaad’e hadii ay wax u hagaagaan in uu cod badan iyo tageero kaga helo gobolada dalka intooda kale, waanu ka heli lahaa hadi ay sidaa u dhici lahayd, dadka iyo dalkabana iyadoo u hagaagta ayaa u fiicnayd, tartanka ka sokow, balse nasiib daro, wixii ka dhacay waa la ogaa, ummaduna illaa imikay ka xuntahay annana waxa noo dheeraa gobolka oo aanu cod badan ku lahayn, oo ka hadhay dorashadii, ta nagaga sii darrayd waxay ahayd sadex ama afar cisho ka hor dorashada marki komishanku yidhi wax dorasho ahi ka dhici maayaan gobolka Sool degmada caynabo mooyaane, waayo markaanu nidhi gudoomiyaha komishanku wuxu nagu qanciyay ilaahayna la hortagayna oo uu nagu yidhi "Laascaanood iyo talex dib ayaa loo dhigay amniga awgi, Xudunna ani foosbaad tihiin oo dorasho ka dhici mayso Caynabana waa laga codaynayaa. Hadaba sadex cisho ka hor miyaa la diidi karayay doorashada? Cidda se diida ee tidhaa ha la dhamaystiro dalka sidee loo arki lahaa? Yaase filayay dorasho noocan ah? Laascaanood iyo talex hadi komishanku yidhi dibaa loo dhigay maxay go’aan kan u gaadheen? Waxa kale oo la yaable oo aanu komishanka had iyo goor waydiinaynay, degmooyinka urur kali ahi dhigtay ama aan cidiba dhigan miyaan codayntu ka dhacayn madaama ururada lagu kala reebi karo oo kali ah cadadka wadareed ee uu dalka ka helay, hadii ay buuxin waayaan 20% gobol kasta, sida Qodobka kala reebista ururadu dhigayo.

Isku soo xooriyoo arrimahaasi ku talagalka u muuqda waxay ahaayeen doorashda ka hor, doorashadiina waxay u dhacday si fool xun, oo aan lagaba filayn xukuumada Rayaale ee dastuurku u hiiliyay ee laga ogolaaday iyadoo xoolihii umada haysata, ururada oo wax badan eega yaana la galaan doorashada, in ay ku kacdo falal badan oo dorashadii ka dhigay gabi ahaanba xaraan aan ururo lagu kala saari Karin iyadoo komishankuna kula socdo.

Hadaan soo koobona waxay u dhacday sidan:

  • Gobolka Awdal 7-sanduuq oo degmada saylac ah meeshii loogu talo galay mahee meelo kale ayaa la dhigay,

  • sanduuqa garba dadar waxa laga codaynayay 2 cisho 

  • 5 sanduug oo degmada lughaya ah, waxa iska soo qaatay xubno Udub ah hadii aan lagu doodinna lama celiyeen,

  • Gobolka Hargeysa waxaanu haynaa sanaaduuq badan oo ku shubasho ka dhacday oon ilaa manta lanaga qancin, maxkamadana aanu u gudbinay, 

  • komishanku xaqdarooyin badheedha ayay ku kaceen sida gobaha oo ay xidha yeen 6da galabnimo iyadoo dadku buuxo, radiyowgana waxay ka sheegeen in la shaqaynayo ilaa 9ka habeenimp, xaquna wuxuu ahaa hadi rabshadi ka dhacdo goobta oo kali ah in ay xidhaan, haddii kale ay socoto, arrintaasina waxay ku dhacaysay gobaha ay mucaaridku ku xoogan yihiin, goobaha qaarna illaa 8dii habeenimo ayaa loo gaynayay waraaqaha oo cadaan ah, markhaatiyadiina waanu hayna, waxa kale oo cadaan ah in komishanku ururada qaar ugu talo galeen in aanay soo bixin sida Hormood oo meeshi labaad ee loo diiday dorashda tahay degmada oodwayne oo gudoomiyihii degmadu yidhi codka Hormood lama tirinayo maadaama aanay ku lahayn liis musharixiin, isagoo markii hore liisaska la dhibayayna u badheedhay in u diido, markii dambena diiday muraaqibinti 34 goobod, codkiina yidhi lama tirinayo, hadii rabshadi ka dhici waydayna waxa iska leh ilaahay ka sokow, Madaxda uruka Hormood oo ka diiday dadkii reer oodwayne, waana arrin loogu talo galay ururka in aanu ka helin cod waana arrin maxkamada hortaal una muuqata muquunis cadaan ah, komishanku iyagoo taarged koodu yahay sidii Hormood u hadhilayd ayay gobolka saaxil na goobti taageerada ugu badnayd ee magalada Berbera ka qaadeen sanduuq, iyagoo ku andacooday cadaadlay oo sanduuq laga xaday ayaanu u gaynaynaa.

Haddii aan soo koobo, haba dhacdo doorasho nooc ay doonto ha ahaato ee miyaanan xaq u lahayn in natijadi dorashada oo tafatiran la bixiyo si aanu ugu xisaabtano, may yeelin komishanku todoba cisho dabadeed ayay na siiyeen cadadka yagii Hargaysa oo kali ah matalan, oo qaladaad badani ku jiro, sidee baanu ku garan karna urur hebel in aanu ka hosayno ama ka sarayno ilayn inankii aanu meesha gaysanay wuu noo soo wada qoray e, maxaa se loo qarinayaa hadaan komishanku ururada kala jeclayn, maxayse tahay, gudidan qiimaynta iyo diiwaangelinta ururada oo iyadoo shuruudihii kala reebista ururadu dhamays tirnayn, iska gaadhay go’aanka.

Gabagabadii, waxaan ku soo koobayaa, ururadan la leeyahay way hadheen waxay ku hadhi lahaayeen oo ay ku khasbanaayeen hadii dorashadu cadaalad ku dhici lahayd qaladaad yar yari haba iska jiraane.

Qoraalkan ma aha ujeedadiisu urur dacwoonaya oo kali ah, balse waxa weeye nuxurkiisu in umadu is waysiidso xukumadan fadhi barad ka ah ee cadaalad iyo dastuurka loogu hiiliyay, markay manta sidan yeesho, barito maxay yeelaysa? Dadku se ma filayaan doorasho xalaal ah oo dambe? Yaa se damaanad qaadaya hadaan tan hore la sixin? Yaase Degmooyinkii lagu shubtay Barito ku qancinaya tirada saxda ah ee ka codaysay ilayn Xisbiyadii way waayo arkeene? Balaayo geeso la qabto ayay leedahay ee malaha dabo la qabto!,. maxayse tahay Doorashadan loo muujiyey in Beelihii Harti ka maqan yihiin? caalamka se maxay arintaasi u tilmaamaysaa? Hadhow bay dhurantaa oo tidhaahdaa ma dhex joogin. Gal dacwadeedkii ururka HORMOOD, wuxuu horyaallaa Maxkamadda Gobolka Hargeysa, welina jawaab nalagama siinin, iyadoo ay sidaa tahay waa maxay ujeedada hadalka C/laahi Jawaan markii uu dhawaan yidhi ururada cabanayaa ha u dacwoodaan Maxkamadaha, iyadoo aanaan dacwadii aanu gaynayba aan nalooga jawaabin, taasina waxay u baahan tahay in caddeyn laga bixiyo."

Top


Jaamacadda Hargeysa Kaalmo Dhaqaale Iyo Talo Ayay Uga Baahan Tahay Dadkeeda 

Xarunta jaamacadda qudha ee ku taala xarunta Somaliland ee Hargeysa oo ah jaamacadda labaysa jaamacadda Camuud oo ah tii ugu horaysay ee laga furo Somaliland ayaa qofka booqdaa uu si fudud u dareemi karaa in jaamacada Hargeysa ay u baahan tahay wax-qabad dhinac walba ah si loo dhammaystiro inay jaamacaddaasi noqoto mid u qalmi karta magaca heer waxbarasho ee jaamacadeed ee ay huwantahay. Ugu horrayn xarunta jaamacadda Hargeysa ma ah meel xafidan oo meel qudha laga soo galo, waa dhisme aan lahayn dayr oo afarta dhinacba ka furan oo laga soo geli karo, inkasta oo ay jirto meel albaabi laakiin ma leh dayr, dhismaha jaamacadda Hargeysa oo ahaa meel dugsi sare ahaan jiray waxaa ku yaalla dhammaan qaybihii jaamacadda, sida (library) kaydinta buugaagta iyo qoraalada, shaybaadho (laboratory), guryuhu hurdada, qolalkii shirarka, guryihii macallimiinta, goobihii ciyaaraha, laakiin dhammaan qaybahaasi intooda badan waxay u baahan yihiin qalabayn iyo dhammaystir, hawshaas oo u baahan dhaqaale dhinaca kale tayaynta qaabka waxbarashada ee jaamacadda Hargeysa oo ah saldhigii waxbarista jiilka ka qayb-qaadanaya horumarinta dalka, haddii la dhayalsado, jaamacadda Hargeysa tayadeeda waxbarasho macnaheedu wuxuu yahay mid la dhayalsaday horumarinta mustaqbalka ee dalka, taas oo dhantaali doonta hiigsiga horumarineed ee umadda reer Somaliland.

Waxaa iyana xusid mudan in la fahmo aas-aaska mark la bilaabayo hawl in cidda mas’uuliyaddaa haysaa ay aad uga taxaddarto wixii dumin kara nidaamka hawshaa loo soo marayo, waxaa cad in furitaankii jaamacadda ay arday badani ku soo jabtay iyaga oo aan dhammaysan waxbarashadii dugsiga sare, arrintaa oo suurtogashay bilowgii jaamacadda Hargeysa, waxaa u muuqataa in ay keeni karto lumista sumcadda jaamacadda hadday sidaa aan xusay u dhacday, dhinaca kale haddii dhaqaale lagu badhi-taaro jaamacadda Hargeysa oo loo sameeyo talo maamul oo ay dadka deggan Hargeysa iyo dadweynaha kale ee reer Somaliland ay fahmaan ahmiyadda ay horumarinta jaamacadda Hargeysa u leedahay bulshadeena waxaa halkaa ka dhalan kara in ay jaamacaddaas ka soo baxaan aqoonyahano ka hawgala dhinacyo badan oo u baahan aqoontii ka hawlgali lahayd horumarintooda marka kaalmo dhaqaale la soo qaado, waxay dad badani maskaxda ku hayaan lacag tiro badan, laakiin waxaa jira lacag yar oo haddii aad ku tabarucdo yeelan karta faa’iido weyn oo mustaqbal, tusaale ahaan haddii (200,000) laba boqol oo kun oo dadka ku nool Hargeysa ay qiimaha laba mijood oo jaad ah lagu iibsado ay bishii maalin ama maalin qudha uga deeqaan jaamacadda Hargeysa waxay noqon kartaa lacag dhan ($400,000), waayo mijinta qaadka ah qiimaheedu cel-celis ahaan waa (7000sl), markaa waa $1, haddii markaa qofkii uu laba dollar ($2) ugu deeqo jaamacadda Hargeysa bishiiba mar run ahaan waa lacag yar qofkii heli kara, laakiin markaa deeqdaas sidaa loo fahmo ee tiradaa aan soo xusay ay sidaa u laasimaan deeqdaas waxtarka leh, waxaan shaki ku jirn in waxtarka ka soo baxa deeqdaas ay noqon doonto mid laga dareemo Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland, waxaa qaabkan loo adeegsan karaa dhammaan hawlaha horumarinta iyo adeega baahiyaha aas-aasiga ah ee bulshada. Waxaa amaan mudan xaqlaha shirkadda DAHAB-SHIIL oo isagu deeq joogto ah siiya jaamacadda Hargeysa. Waxaa muuqata in muuqaalka ay hadda leedahay jaamacadda Hargeysa ay ka muuqato in ay jaamacaddaasi dadkeeda reer Hargeysa uga baahan tahay kaalmo dhaqaale iyo talo maamul oo lagu xoojiyo.

Waxaa hawlaha jaamacadda Hargeysa dareen waddaninimo ka muujiyay ururka Somaliland Forum oo dareemay baahida ka jirta jaamacaddaha Somaliland kaalmooyina hore u soo gaadhsiiyay.

Top


Madaxweynaha Ciraaq Sadaam Xuseen Oo Baadhayaasha Hubka Ku Tilmaamay Basaasiin 

Baqdaad (W. Wararka): Madaxweynaha dalka Ciraaq Sadaam Xuseen ayaa ku tilmaamay baadhayaasha hubka ee baadhitaanka ka wada Ciraaq, inay yihiin basaasiin u adeega maraykanka. Sidaa waxa uu ka sheegay Sadaam Xuseen maalintii shalay, khudbad uu ka jeediyay xuska sanad guurada 82aad ee markii la aasaasay ciidamada wadankaasi isaga oo intaa ku daray inay maraykanka u suurta gashay inuu qabsado qaybo badan oo ka tirsan khaliijka "baadhayaasha hubka ee qaramada midoobay halkii ay ka ahayd inay baadhaan hubka halista ah waxay ku mashquuleen inay raadsadaan khubarada hubka ee ciraaq, iyaga oo hadaf ka dhigtay wax aan ahayn wixii ay u socdeen sida baadigoobka halka ay degan yihiin ciidamadu iyo inay eegaan hubka caadiga ah ee Ciraaq, arrimahaas oo dhamina waxa ay muujinayaan inay hawshoodu tahay mid basaasnimo ah" ayuu yidhi Madaxweyne Sadaam Xuseen.

Isaga oo intaa ku daray in Ciraaq iyo cida la jirtaa ay ku gacan sarayn doonaan dagaalka ay kula jiraan Maraykanka waxaanu yidhi isaga oo la hadlaya dadka reer Ciraaq "idinka ayaa ku gacan saraynaya dagaalka wayna gudhi doontaa hanjabaada iyo caga-juglaynta aad maqlaysaan ee uu faafinayo cadawgu," isaga oo u jeeda Maraykanka. Waxaanu khudbadiisa ku tilmaamay inuu Maraykanku dagaalkan ka leeyahay ahdaaf badan oo qarsoon, Ciraaqna aanay ahayn ta kaliya ee uu u jeedo balse ay ku xigaan dalal kale, hadafka ugu weyn ee Maraykanku waxa uu ku tilmaamay inuu yahay burburinta Ciraaq iyo dawladeedaba.

Ugu dambayn, waxa uu ugu baaqay dadka reer Ciraaq inay muujiyaan isku duubni.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Nabadu Waa Qaali

Haddii aanu nahay odayaasha deegaanka Hargeysa ee magacyadoodu hoos ku qoranyihiin waxaanu halkan ugu soo gudbinaynaa hambalyo iyo bogaadin diiran oo kal iyo laab ah sidii dedaalka badnayd ee xilkasnimada iyo wadanimada lahayd ee waajibkeedii u gudatay Dawladda Somaliland gaar ahaana ciidamada nabadgelyada iyo amaanku intii lagu jiray hawlgalkii balaadhnaa ee lagu baadi-goobayay dadkii dambiilayaasha ahaa ee gaystay dilkii foosha xumaa ee lagu dilay magaalada Hargeysa ninkii martida ahaa ninkaas oo ahaa Islaam muddo 6 bilood ahna deganaa dalkeena si sharaf leh ku joogay Somaliland, doonayayna inuu maalgelin ku sameeyo mashaariic muhiim ah si uu wax ula qabsado umadda Somaliland, caalamkuna ugu soo xidhmo sababaha lagu dilay waxaa ka mid ahaa arrimaha aan kor ku soo sheegnay cidii falkan gaysatay iyo wixiii la xidhiidhaba waxay xaasid ku yihiin oo ay hortaaganyihiin, wax la qabsiga Somaliland iyo siduu ugu soo xidhmi lahaa caalamku maalgelin iyo horumarina looga samayn lahaa mustaqbalka, dadka ku kacay falka noocaas ah waa dad aan xilkas ahayn oo aan danaynayn umadda dalka Somaliland, sidaas awgeed, waxaa haboon cid alaale cidii ku kacday falkaas iyo wixii la xidhiidhaba in laga qaado talaabo sharciga waafaqsan oo la mariyo wixii uu mutaysto oo ciqaab ah si arrintaas oo kale dib ugu dhicin mar dambe oo aan loogu dhiiran haddii kalena waxay noqonaysaa albaab cusub oo furmay cid waliba ku talaabsato si fudud umadda Somaliland waa inay meel uga soo wada jeedaa wixii wax u dhimaya nabadgelyada iyo xasiloonida ee khalkhal galinaya dalka deganaashihiisa.

Caaqil Jibriil Cismaan Cumar, Caaqil Saxardiid Maxamed, Caaqil Ibraahim Xasan Muuse, Caaqil Saleebaan Cismaan Yuusuf, Caaqil Maxamuud Maxamed.

Top


Hadii Xaqa La Diido Waa Ayaan Darro

Axmed Saleebaan Ilkacase

Hadaynu nahay muwaadiniinta Somaliland u dhashay waxaynu xaq u leenahay inaynu ka hadalno waxkastoo dadkeena iyo dalkeena dhibaato u leh.

Waxa jira in daryeel xumo badani ka jirto jeelka Hargeysa iyo cadaalad darro haysata maxaabiista jeelka ku xidhan qaarkood ma haystaan daryeel, caafimaad, sida dhakhtar ka shaqeeya caafimaadkooda iyo daawo, mana helaan cunto nafaqo leh, maxaabiista jeelka qolalku waa ay ka yaryihiin, way liitaan daryeelka caafimaad.

Waxa jira maxaabiis aan wax maxkamada la soo taagin, oo xaq daro ka xidhan oo u baahan in loo gurmado, si dar ilaahay ah.

Waxa jira maxaabiis ku dhex xanuunsanaya jeelka dhexdiisa oo sharci darro ku xidhan, oo u baahan in haddii cadaaladi jirto la keeno maxkamada cadaaladi waa ta Ilaahay, maxbuuskaas oo ah Maxamed Liibaan Daahir, sharcigu ma wuxuu qabtaa dadka danyarta ah. 

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 61aad

Mingistu: Waxaan ka fekeray degdeggu dhibaatada uu keeni karo iyo inuu keeni karo dhiig aan loo baahnayn oo data, iyadoo la kari karayo in xasilooni iyo si nabadgelyo ah lagu fuliyo hawl-galka lagu qabanayo Amaane, sidaa darteedna inta aan idhi hala qabto Amaane ayaan Tasfaaye Gabra Kidaan amray oo aan ku idhi soo qabo janaraal Amaane, laakiin waxaan ku daray laba nin oo kale. Xiligaa gurida janaraal Amaane waxa gurigiisa ilaalinayey oday da’ ah oo beeraha gurigana u waraabin jiray, janaraal Amaanena keligii ayaa guriga joogay. Laakiin sida la ii sheegay janaraal Amaane qorigii uu haystay inta uu daaqadda gurigaa soo saaray ayuua diiday inay askartii guriga soo galaan, isla markaana markii horeba aad ayuu uga sii diyaar garoobay, wuxuuna haystay rasaas badan. Waxa jirtay waddo qudha oo loo sii maro gurigiisa, wadadaasna wuu xidhay, waxaana wadadaa hareeraha ka xigay guryo daaro ah, sidaa darteed markii uu tacshiiradda rasaasta ah furay guryihii deriskiisa oo dhan waxa daaqadaha iyo albaabada uga galay rasaas.

Sidii uu ahaa amarkii la soo faray askartii loo diray waxay makarafoon ugu sheegeen inuu is-dhiibo, laakiin jawaabtii uu taa ka bixiyey waxay noqotay tacshiirado rasaas ah, taasina waxay keentay inay dadkii jaarkiisa ahaa oo dhami qaylo ka tolaan, iyaga oo leh ba’nay.. ba’nay, xaafadihii oo dhamina way wada argagexeen, sidaa darteed Tasfaaye iyo qoladii loo diray way kadeed-meen. Sidaa awgeed waxay iswaydiintu noqotay waa maxay talaabada laga qaadi karo ama sida laga yeeli karaa qof sidaas oo kale u dhaqmay ee naftii dadka rayidka ah iyo xasiloonidii khatarta geliyey, markii ay sidaa noqotay fursadda noo muuqatay waxay noqotay in loo yeedho kaare (taangi), waayo waxa laga fekeray hadii ay askartu tacshiirado kale oo rasaas ah dhiniciisa u furaan inay rasaasta la iswaydaarsanayaa sababta inay dad shicib ahi ku naf-waayaan, sidoo kalena askarta laftooda waxa loogu tudhay inay ku idlaadaan ama naftooda ku waayaan wax aan manaafacaad ka soo baxayn oo ah qof la soo qabanayo. 

Sidaa darteed kaarihii ayaa la keenay, ka dibna kaarihii oo ay caawinayaan askartii kale ayaa sidaa gurigii janaraal Amaane ku galay, waxaana halkaa lagu dumiyey gurigiisii, waan la galay, habkaasina waxa uu ahaa dhamaadkii qabashadii janaraal Amaane, laakiin marka aad eegto sidii xiliyadii dambe looga sheekayn jiray ama looga waramo arinta janaraal Amaane waa si qaldan oo aan run ahayn. Tusaale ahaan waxa jira hadalo la leeyahay "Mingistu ayaa yidhi hala dilo janaraal Amaane", taasi waa mid aan xaqiiq ahayn oo been ah, waayo aniga iska daayoo xataa golaha dhergiga ayaan odhan "Hala dilo janaraal Amaane", laakiin golaha dhergigu keliya waxa uu go’aamiyey in la soo xidho janaraal Amaane, sida uu sharcigu ahaana go’aamada ka soo baxa golaha dhergiga aniga ayey masuuliyadayda ahayd inaan fuliyo, aniguna Daaniyal iyo Tasfaaye Gabra kidaan ayaan ku amray inay fuliyaan go’aankaa, sidaas ayeyna ku tageen goobtii loo diray (gurigii janaraal Amaane), laakiin askartii goobta loo diray iyo dadkii rayidka ahaa ee meesha deganaa markii ay khatar la kulmeen waxay qaadeen talaabadii munaasibka ku ahayd xaaladdii meesha ka dhacday, taasina waxay ahayd mid ay ciidanku ku khasbanaayeen, maxaa yeelay ninkasta oo ciidan ah oo ay xaaladaas oo kale ku timaado wuu qaadan lahaa talaabo caynkaas oo kale ah, waayo ninka askariga ah marka la siiyo ee la yidhaahdo hawl-galka caynkaas ah orod oo soo fuli waxa suurtagal noqon karaysa inuu la kulmo xaaladdii uu filayey mid ka gedisan, sidaa darteedna hadii ay askarigii hawsha loo diray ku timaado xaalad khatar ahi sida ugu haboon ee isu difaaci karo ama arinta ku timi uga jawaab qaadan karo ayuu ka yeelayaa, isla markaana hadii ay cidda ka soo horjeeda naftiisa khatar geliso isna wuu iska difaacayaa oo hadii uu doono wuu ugu shubayaa, Markaa xaaladdii qabashada janaraal Amaanena waxba kama duwanayn xaaladaha caynkaas oo kale ah. Waayo Askari doonaya inuu soo qabto nin argagixiso ah hadii uu ninkii naftiisa iyo nafta dadkaba khatar geliyo inuu talaabo caynkaas oo kale ah ka qaato waa sidii ugu haboonayd, arinta janaraal Amaanena sidaas ayey ahayd, sidaa darteed ninka inuu gurigiisu goob dagaal noqdo ninka doortay waxa uu ahaa janaraal Amaane laftiisa ee cid kale may ahayn...

La soco cadadka dambe.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE

A. A. Garas

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydun ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka ah ee gaagaaban iyo hirarka ilaaq badiska ah ee sare u lig-ligan. 

Dhegaystayaashayada dhudhumada yar yarrow waxaynu soo gaadhnay ammintii aanu idinku soo af-rogi jiray wararkii aduunyada hareereheeda ka soo kala firxaday amuuro kale oo qoodh leh, waxaana maanta warka u xayd-xaytay oo idinku hirgisi doona weriye Mr. Sakaar-buur.

Warkii oo indhobuur-buurran
Majeefteen caydhsanaya majeerteen kale ayaa casho dhowayd juq soo yidhi carrada bari ee dhulka shankaroon-land, ka dib markii ay is-rifeen laba muunadood oo ilmajeerteen ahi.
Is-eryadkaa waxa horjoogayaal ka ahaa laba askari oo dharaarahanba isku rifayey meel dhuugo hore la yidhaahdo oo caro majeerteen ubucdeeda ku taal, dhanka bari war aan lugta ka soo jiiday ayaa sheegaya in gobolka Sanaag ee cariga shankaroon-land lagu arkay ninkii C/laahi beer-loox oo caydhsanaya nin isna la yidhaahdo Muuse caddo oo dharaar dhowayd cawaandinimo cusub isu magacaabay. Ragaas oo markii hore loo maleeyey inay iska ciyaarayaan, laakiin markii dambe la maqlay cabaad iyo celiyaay labada col dhexdooda ka yeedhaya. Colalkaas oo markii ay cariga shankaroon-land isula soo yaaceen aanay cidina juuq u odhan waxay duqado ka soo gaadheen habro is yidhi ninka la caydhsanayo ee Muusa Caddo ka reeba C/laahi Beer-loox oo cadho darteed sida jinac-duulaanka u uray ayaa markii dambe dar alla uga hadhay ninkii uu caydhsanayey ee Muuse caddo, iyadoo la sheegay inuu Muuse Caddo iyo colkiisii caymadkii ku soo galeen dhudhub u dhow tuullada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Habar ku gabanaysay suryo yar oo u dhow daarta looga taliyo Jamhuuriyadda Shankaroon-land ayaa raadyaowga u sheegtay in Muuse Caddo iyo colkiisa ay Shankaroontu gosha gelisay si ay uga qariso C/laahi Beer-loox.

Labadan wiil oo ka mid ah ciyaar yahanada Majeerteeniya uga ciyaara khadka damaaciga waxa loo malaynayaa inay kibir askarinimo kadhaa iskaga saareen, inkasta oo aan si cad loo garanayn naagta labadaa wiil isku dirtay iyo dawladaha hubka isugu dhiibay, hadana wakaaladaha la-lahaada ayaa sheegay in labada nin mid dhinaca Itaoobiya bas-baas laga soo mariyey, ka kalena xagga Jabuuti basbaaska laga soo mariyey oo lagu yidhi is-dilkiina ayaa khayr noogu jiraa, iyadoo Jamhuuriyadda shankaroon-land-na lagu xamanayey inay ku caawisay isku xudhayn iyo isku shuq-shuqayn casri ah, taas oo ay shankaroon-land tidhi "Cadde Hirgoo.. Hirgoo."

Shankaroontu waxay shuqulkan isku xudhaynta la soo baxday markii uu C/laahi Beer-loox ayaan dhowayd cadho ka shaqaystay madax-yuubka Shankaroonta oo qayilaad ku jooga ceelka Laas-caanood ee ku yaal misigta bari ee carrada Shankaroonta.

Jamhuuriyadda Shankaroon-land oo waayadii hore miskiinad ka ahayd dhinaca isku dirka, sidoo kalena aan kala jeclaan jirin wiilasha Ilma Majeerteen ayaa eegga laga cabsi qabaa inay tidhaahdo "Ilaahow colkayaga col ku furo". Farsamadaa oo laga yaabo inay faa’iidadeedu fogaato ayey ragga shuqullada siyaasadda farafareeyaa waxay ku tilmaameen inay tahay gacan-midig oo dhegta bidix lagu soo taabanayo, inkasta oo ay Somalidu ku maahmaahi jirtay "Cadowgaaga cadawgiisu waa saaxiibkaa", hadana waxaad ogaataa inuu cadawgaaga cadawgii saaxiib la noqon karo cadaw kale oo soo kordhay.

C/laahi Beer-loox oo ah baarqabka keliya ee ku qooqan Majeerteeniya ayaa la sheegay inay adag tahay in inta uu noolyahay inaanu Madoobe iyo Cadaawe magaca uu doono ha lahaadee midna shaf saarrayn majeerteeniya, iyadoo uu C/laahi Beer-loox hore car-daadiqaha uga dhigay Jaamac ina Jaamac oo beri dhexdaas ah isku deyey inuu guux-abaahiyo carrada majeerteeniya, isaga oo C/laahi Beer-loox awelba shirka Ceel-daarood sabaaxad mudugaysan kaga saaray Jaamac ina Jaamac, laakiin waxa maalin dhowayd dhibi cusub isa soo mariyey wiilkan magaciisa la yidhaahdo Muuse Cadoowe oo ah wiil ka dhashay lafta Jaamac ina Jaamac, loona malaynayo inuu hiil u yahay Jaamac ina Jaamac, iyadoo la sheegay Muuse Cadoowe inay jibsintiisu muusanow kaga soo kaxaysay xagaa iyo carrada Maraykaanka.

Ninakan Muuse Cadoowe wuxuu ka dhashay lafta dheer ee Cismaan ee u dhexaysa qalafka iyo jalafka, wuxuuna gu’gii dhawr iyo toddobaatanaad kornaylnimo ka goostay dawladdii allaysatay ee ina Barre, sidoo kale waxa uu mar haydh-tuulo ka ahaan jiray tuullada ugu weyn gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, markii dambena waxa uu ka qayb galay halgabkii jabhaddii saqiirtay ee Eskaa-eskay dhuf.

Muuse Cadoowe oo xayraanimada dagaalka ka soo istaadhay dhulka Maraykaanka waxa uu dirirtiisii u horaysay ka bilaabay meel la yidhaahdo Dhudo, isaga oo ilaa hadda ku guulaystay dhababaco iyo caymad uu ugu soo firxaday gudaha Shankaroonta. Habar soo aragtay ninkaa Muuse cadoowe ayaa ku tilmaantay nin xayraansan oo aanu weli ka soo degin saarkii dagaalku, waxayna habartu intaa sii huluuqsiisay inuu ninkaasi u muuqday nin Abiteet badan u haya inuu sii cidh-biyo dirirta uu eegga bilaabay, taas oo uu maaggan yahay duulaamo u ku hinjiyo C/laahi Beer-loox si uu uga fara-maroojiyo qabqablanimada majeerteeniya, iyadoo uu qiyaastii loo malaynayo inuu madax-yuubka Shankaroontu doonayo inuu saliid sii mar-mariyo Muuse Cadoowe.

Ameerika
Madax-malaaska caro Maraykaan juuj Buushe ayaa budh iyo qaare u soo qaatay inuu Ciraaq Madaxa kala dhaco, wuxuuna si aan miyir qab u ekayn, waalina u sawrac eg u soo daad-gureeyey kumanyaal ciidan ah oo geeso xiir-xiiran.

Mr Juuj Buushe oo beryahanba budh lulayey ayaa laga baqe qabaa inuu Ciraaq beerka ku dhufto maalin dhow, isaga horena dhaar iyo xilefur ugu maray inuu Sadaam iyo dadkiisaba kanabasha ka dhigayo.

Ciidamadan dheg iyo dhafoor-ba soo xiirtay waxa loo kireeyey wadamada Carbeed, gaar kuwooda laan-gaabka ah, sida Kuwayt iyo Qadar oo kale.

Top


Daymada Daryeelka Deegaanka

Cumar D. Cumar

Dhaqaalaynta ciida

Qaab-dhaqaalaynta ciida si ay uga baxaan dhirta daaq iyo geedaha kale ee dabiiciga ah iyo kuwo la beeraa waa arrin u baahan in maskaxda lagu hayo oolagu dhaqmo si loo daryeelo degaanka.

Marka la dhaqaaleeyo ciida waxaa iyana dhinac socota dhaqaalaynta biyaha oo hoos u gala ciida, kuwaas oo biyahaasi ay noqdaan kayd biyood oo ay ku baxaan daaqa iyo dhirta manfaca u leh nolosha noolaha ku nool degaanka oo qayb ka ah daryeelka degaanka.

Si loo dhaqaaleeyo ciidama ma aha marar qaar farsamo u baahan qalab iyo aqoon gaar ah, waxaana la isticmaali karaa dhagaxa geedaha, ciida iwm, si loo hakiyo socodka biyaha ee keena nabaad-guurka ciida leh nafaqada ay ku bixi karto daaqa iyo dhirtu, sawirka la socda qoraalkan waxaa ka muuqda dhagaxaan loo dhigay si gudban oo la is dul dhigay, qaabkan waxaa loo yaqaanaa (Stone Berriers), waana mid ka mid ah qaababka lagu dhaqaaleeyo ciida, hawsha ka muuqata sawirkan waxaa qaybta koonfur galbeed ee Hargeysa ka fuliyay nin waayeel ah, markii hore goobtaasi waxay ahayd meel dirri ah oo aanay daaq ka bixn dhirta ku taalaana ay tahay mid aan caleen lahayn oo hagaas ah, markii uu ninkaasi ka qabtay hawsha ka muuqata sawirkan oo uu dhagaxaan ugu xidhay iyo cid si gudub ku ah socodka biyaha ee goobtaas, waxaa ka muuqday isbeddel, waxaa ka baxay daaq, waxaa dhumuc iyo dherer yeelatay dhirtii goobtaa ka baxaysay, isbeddelkaas waxaa keenay biyihii goobtaa uga rogman jiray dhinaca waqooyi oo ay dhagaxaantaas la isa saaray iyo ciidii ay u hakiyeen, kadib biyihii waxay galeen ciidii waxaanay soo saareen daaqa iyo dhirtaa leh manfaca iyo muuqaal aad u qurux badan ee qaybta ka ah daryeelka degaanka aynu ku nool nahay.

Ninka waayeelka ah ee qabtay hawsha daryeelka degaan ee ka muuqata sawirkan la socda qoraalkani wuxuu u muuqdaa nin isagu isu diray hawshaa, mararka qaar waxaa goobtaas ciideeda la dhaqaaleeyay daaqa xoolo ay leeyihiin qoyska degen goobtaa, waa faa’iidadii ciidu ay qoyskaasi dhaqaaleeyeen, waxay ka helayaan, hilib, caano, harag, subag iwm, waa wax soo-saar aan dibadda laga keenin, qoyska hawshan qabtay, waxaa la yidhaa (Ilma Tuke). Runtii hawsha ay qoyskaasi qabteen waa hawl u baahan in ay tusaale u noqoto daryeelka ciida iyo dhaqaalaynteeda, haddii ninka waayeelka ah ee hawshan qabtay loo tabobaro in uu gudbiyo farsamada uu hawshan ku qabtay si ay uga faa’iidaystaan dadka kale ee ku nool degaano badan oo Somaliland ahi. runtii waxay ahaan lahayd qaab loo fidiyay (Extension) aqoonta dhaqaaleynta ciida, waxaan hubanti ah in ay saamayn weyn ku yeelan lahayd wax-soosaarka iyo dhinaca dhaqaalaha ciida ah.

Bandhiga barnaamijkan oo hore ugu soo bixi jiray wargeyskan Haatuf sannadkii hore waxay ujeedadiisu tahay dhiirigelinta daryeelka degaanka, iyada oo la isticmaalayo farsamooyin lagu fulin karo hawshaas ee laga heli karo degaanadeena (Appropriate Technology).

Top


Waadiga Ciyaaraha

Sociedad iyo Malaga oo barbaro noqday

Kooxda Real Sociedad ee hogaaminaysa tartanka La Liga ee Spain ayay 2-2 isla dhaafi waayeen kooxda Malaga maalintii Axaddii.

Natiijada ciyaarta Malaga iyo Sociedad waxay ka dhigaysaa Sociedad oo ilaa iyo hadda aan la kulmin guul-daro, laakiin barbaraha ay la noqotay Malaga wuxuu keenay in saddex dhibcood ay ku soo dhawaato kooxda kaalinta labaad kaga jirta tartanka La Liga ee Spain oo ah kooxda Real Madrid. Kooxda Real Madrid waxay iyadu 4-1 kaga adkaatay Valencia. 

Kooxda hoggaaminaysa kooxaha Spain ee Real Sociedad waxaa labada gool ee ciyaartii ay kooxda Malaga ku hirdameen u dhaliyay Nitah Kahveci iyo Dmitri, waxaa iyaguna labada ee ay kooxda Malaga barbaraha kula noqotay Sociedad waxaa Malaga u dhaliyay Kizito Musampa iyo Dario Silva.
Kooxda kaalinta labaad kaga jirta kala-horaynta kooxaha ee Real Madrid oo iyadu hore u soo hinqatay markii ay Sociedad barbaraha la gashay Malaga ee ay iyana Valencia kaga badisay 4-ta gool, waxa Real Madrid goolka u horreeyay ciyaartii Valencia ay ka badisay waxaa u dhaliyay Ronaldo, saddexda gool ee kalena waxaa u kala dhaliyay Zinedine Zidane, Guti iyo Javier Portillo.
Goolka qudha ee Valencia dhalisay ciyaartaa waxaa u saxeexay Roberto Ayala oo 1-1 ka dhigay ciyaarta kadib goolki Ronaldo, waxaase mar labaad hormariyay goolkii labaad ee Zidane uu u dhaliyay Real Madrid ciyaartaas. Ciyaarahaas waxaa iyana ka badisay Celta Vigo kooxda Deportivo La Coruna oo 3-1 ay guushu ku raacday.

Ciyaarihii dhacay ee koobka La Liga ee Spain waxaa ugu muuqaal fiicnayd kooxda Real Madrid oo ay ka dhex muuqdeen ciyaaryahano caalami ah oo ciyaarti Valencia helay (10) fursadood oo ay goolal ku dhalan karayeen. Hase yeeshee, ka faa’iideeyay afar fursadood oo ka mid ah oo ay ciyaartaa afar gool ugu dhaliyeen kooxdooda Real Madrid. Guushaas wacdaraha lahayd waxay habeenkaa u ahayd habeen mucjiso leh kooxda Real Madrid oo ay ka adkaadeen koox adag oo aan la dhayalsan karin, guusha ay la hoyatay Real Madrid ee ciyaartii ay la yeelatay Valencia, waxay ahayd mid ay Real Madrid ugu dhowaatay in loo boqro hanashada La Liga.

Daqiiqaddii 35aad ee ciyaartaa ayuu Ronaldo u dhaliyay goolka koowaad Real Madrid kubad uu la kaashaday Zidane, daqiiqaddii 53aad ayay Valencia-na barbaraysay Real Madrid markii uu Ayala goolka u dhaliyay.

Daqiiqaddiii 66aad ayuu Raul kubbad siiyay Zidane, laad toosa ayuu Zidane-na la tiigsaday goolka Valencia, halkaas oo ay kubaddu cuskatay shebegga goolka, sidaasna goolkii labaad ayaa ugu dhashay Real Madrid. Goolkii saddexaad ee ciyaartaa u dhashay R. Madrid waxaa saxeexay Guti oo jiheeyay laad dadban oo u helay daqiiqaddii 85aad ee ciyaartaa.

Daqiiqaddii 90aad ee ciyaartaa ayuu ku khatimay Portillo goolkii afraad ee ay ciyaartaa guushu ku raacday 4-1 kooxda Real Madrid oo Valencia kaga adkaatay.

Top


Nayjeeriya oo ku biirtay dalalka Afrika ee doonaya martigelinta koobka adduunka ee 2010

Daaqiiqaddii ugu dambaysay sannadkii tegay ayay Nayjeeriya ku biirtay dalalka Afrika ee doonaya inay marti-geliyaan tartanka kama-dambaysta ah ee koobka adduunka sannadka 2010-ka.

FIFA ayaa daboolka ka qaaday shalay lix wadan oo Afrika ah oo doonaya inay marti-geliyaan koobka adduunka sannadka 2010. Tuuniisiya ayaa iyana hore u sheegtay inay ka qaybgelayso tartanka dalalka martigelinaya koobka adduunka sannada 2010.

Koonfur Afrika oo ku guul-daraysatay codsigii ay doonaysay in ay ku martigeliso koobka adduunnka sannadka 2006 ayaa hadda iyadu xaga hore kaga jirta dalalka codsaday martigelinta koobka adduunka ee 2010.

Wasiirka ciyaaraha ee Nayjeeriya Mr. Steven Akiga ayaa xusay in dalkiisu uu doonayo in uu martigeliyo sanada 2010 ciyaarihii adduunka xilligii uu socday koobkii adduunka ee sannadii tagtay ee 2002, markaa oo uu ka dhacayay tartankaasi dalalka Japan iyo Kuuriya, markaa waxaa loo arkayay erayadaa Steven Akiga inay ahayd fikir isaga rabitaankiisa ah ee aan ahayn go’aan dhab ah, laakiin Nayjeeriya oo ah dalka ugu dadka badan Afrika hadda ayuunbuu caddaystay tallaabada uu ku doonayo martigelinta koobka adduunka ee 2010.

Go’aanka ay dalalka Afrika oo keliya ugu tartamayaan martigelinta koobka adduunka 2010-ka waxaa uu ka soo baxay FIFA bishii September ee sanadkii hore.

Lixda dal ee Afrikaanka ah ee codsaday martigelinta koobka adduunka ee 2010 waxaa ilaa bisha April 30-keeda 2003 loo xaqiijinayaa inay ka sii mid ahaanayaan dalalka laga xulayo martigelinta koobkaa iyo in liiska laga saaray qaar ka mid ah waddamadaa sida rasmiga ah ay FIFA u ansixiso u tartamista martigelinta koobka adduunka ee 2010. waxay waddamadaasi FIFA u caddaynayaan rabitaankooda arrintaa ilaa bisha August ee sannadkan 2003, kadib guddiga maamulka ee FIFA ayaa tegi doona oo warbixin ka soo samayn doona dal kasta oo ku jira tartanka martigelintaas, waxaanay warbixin u gudbin doonaan guddiga fulinta ee FIFA bisha April ee 2004, bil kadib ayuu guddiga fulinta ee FIFA soo saari doonaa go’aanka kama-dambaysta ah.

Top


Leeds oo ogolaaty in Lee Bowyer uu u wareego Birmingham

Kooxda Leeds ayaa ogolaatay in Lee Bowyer oo khadka dhexe ka ciyaara uu heshiis ugu wareego dhinaca kooxda Birmingham.

Lee Bowyer wuxuu u wareegay toddobaadkii hore dhinaca Birmingham, waxaanu kulan dhammays-tir ah heshiiska uu ugu soo wareegay kooxdaa uu la lahaa maamulkeeda gelinkii dambe ee shalay.
Afhayeen u hadlay naadiga Birmingham ayaa sheegay in Bowyer uu marayo nidaamka caafimaadka iyo in laga hadli doono arrimo xaga shaqsiyaddiisa ah oo ay la yeelan doonaan Glenn Roeder iyo agaasimaha maamulka ee kooxdaas Paul Aldridge, afhayeenka kooxda Birmingham oo ka hadlaya ciyaartoyga u soo wareegay kooxdooda ee Bowyer waxaa uu yidhi; "waqti loo xaddiday arrimahaas lala yeelanayo Bowyer ma jirto, haddiise ay si wanaagsan ku dhamaadaan wuxuu noqonayaa ciyaartoy u ciyaaraya Birmingham."

Heshiiskii hore uu Lee Bowyer ug ciyaarayay kooxda Leeds wuxuu dhamaanayaa xagaaga sannadkan, waxaanu Bowyer sheegay inaanu heshiiskaa dib u saxeexayn.

Naadiga Leeds oo ku jira hoos u dhac dhaqaale, maadaama aanu haysan dhaqaale uu ku siii wado heshiiska Lee Bowyer waxaa go’aanku noqday in la iska fasaxo Bowyer.

Top