Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 247 January 15, 2003

"Ictiraafkayagu Waxtar Weyn Ayuu U Yeellan Doonaa Nabadgelyada Gobolkan Iyo Xallinta Dhibaatada Soomaaliya"

Dugsi Lagu Tababarayo Dhakhaatiirta Xoolaha Oo Laga Furayo Dalka Somaliland

Wasaarada Caafimaadka Iyo Shaqada Oo Ka Digtay Ku Xad-Gudubka Xuquuqda Shaqaalaha

BADWEYNTA FANKA IYO SUUGAANTA

Cali Duul-Duul Iyo Suugaantiisa Casriga Ah

9 Dal Oo Carab Ah Oo Ka Shiray Xaalka Sudan Iyo Somalia

Dedaal Loogu Jiro Baajinta Weerar Lagu Qaado Ciraaq

Taariikhda Gypsies-Ka

Is-Afgaranwaa Hakiyay Bilowga Waxbarashada Dugsiga Sare Ee Sheekh

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

HORMOOD, SAHAN Iyo ASAD Mowqif Noocee Ah Ayay La Hortageen Odayaasha Guurtida?

Xubno Reer Somaliland Ah Oo Ku Soo Hungoobay Dhexdhexaadinta C/laahi Yuusuf Iyo Mucaaridkiisa

ODHAAHDA AKHRISTAHA

WAAMAXAY JACAYLKU?

Dawladda Hoose Iyo mashaakilka dhulka

Waadiga Ciyaaraha

Musuq-Maasuq Dhinaca Da’da Ah Oo Hadheeyay Tartanka Koobka Dhallinyarada Afrika

Manchester City Oo Ku Rajo Weyn In Ay Soo Geba-Gebayso Heshiiska Fowler

Oliseh oo u ciyaari doona Bochum

Ruud Van Nistelrooy oo dhaliilay mushaharka ay qaataan kooxda Manchester United


"Ictiraafkayagu Waxtar Weyn Ayuu U Yeellan Doonaa Nabadgelyada Gobolkan Iyo Xallinta Dhibaatada Soomaaliya"

- Madaxweyne Rayaale Oo Addis Ababa Kula Kulmay Diblomaasiyiin Reer Galbeed Ah

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha JSL, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayay oo weli ku sugan xarunta dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa shalay kulamo la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Itoobiya iyo Diblomaasiyiin Shisheeye oo fadhigoodu yahay xarunta dalkaas ee Addis Ababa.

Sida uu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo xalay soo gaadhay xarunta Wargeyska Haatuf, waxa uu Madaxweyne Rayaale shalay kulamo kala duwan la yeeshay Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya, Mr. Tekeda Alemu, Danjiraha Dawladda Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa, Mr. Myles Wickstead iyo Danjirayaasha dawladaha Maraykanka iyo Faransiiska.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Cabdi Idiris Ducaale oo ka mid ahaa Weftiga Madaxweynaha, waxa uu u qornaa sidan:

"Ictiraafkayagu waxtar weyn ayuu u yeelan doonaa Nabadgelyada Gobolkan iyo xallinta dhibaatada Soomaaliya, sidaas awgeed waxaan codsanayaa in dawladiinu dib uga fiirsato qaddiyadayada." Sidaa waxa uu ku yidhi Madaxweynaha JSL, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Danjiraha Dawladda Faransiiska u fadhiya Addis Ababa, Madam Jossette Dallint oo uu gelinkii dambe (Shalay) Madaxweynuhu qaabilay. Wuxuuna intaa ku daray in mujtamaca Caalamka ay foolxumo ku tahay in cid aan gacanta waxba ku hayn la aqoonsado, halkii nabadda iyo dhismaheeda wax la taaban karo ka qabsatayna indhaha laga celiyo.

Sidoo kale waxa Madaxweynaha JSL, Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigiisu kulamo hawleed ay la yeesheen maanta (shalay) Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Mr. Tekeda Alemu, Danjiraha Dawladda Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa H.E. Myles Wickstead iyo Danjiraha Maraykanka.

Qaabilaadahaasi, waxay ahaayeen qaar si buuxda Madaxweynaha iyo weftigiisu ay ugu soo bandhigeen gar-naqsi la xidhiidha qaddiyadda Somaliland, siday taabo-gal ay u noqon lahayd, iyaga oo si buuxda uga qanciyay wixii xog-waraysiya ee ay uga baahnaayeen Somaliland, iyo xaqiiqada dhabta ah ee hadda ka jirta iyo arrimaha kale ee aynu u baahanahay in wax la inagala qabto. Welina weftigu, hawlahoodii way wataan.

Top


Dugsi Lagu Tababarayo Dhakhaatiirta Xoolaha Oo Laga Furayo Dalka Somaliland

Harg (Haatuf):- Shir lagaga hadlayo hirgelinta dugsiga caafimaadka xoolaha ee Sheekh ayaa shalay ka furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka kala socota xafiiska cilmi-baadhista xoolaha ee bariga Afrika, wasaaradaha waxbarashada, xannaanada xoolaha, xafiiska hay’adda Terra ee bariga Afrika, xafiiska EU ee Hargeysa iyo mas’uuliyiin ka socota degaanada Soomaalida, shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxa lagaga hadli doonaa hirgelinta dugsi lagu tabobaro dhakhaatiirta caafimaadka xoolaha ee Sheekh, kaas oo la filayo in dhawaan laga furo degmada Sheekh, waxa uu noqon doonaa mid ay wax ku bartaan dhakhaatiirta xoolaha ee degaamada Geeska Afrika.

Furitaankii shirka waxa hadallo ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Xafiiska cilmi-baadhista xoolaha ee bariga Afrika J. A. Musime, waxaanu sheegay in nabadda Somaliland ka jirtaa ay suurtogelisay in dugsigan la furo. Waxaa isna halka ka hadlay wasiirka Xannaanada xoolaha ee Somaliland Saleebaan Cali Koore, isaga oo ka warramay ahmiyadda uu dugsigani leeyahay iyo sida loogu baahan yahay dhakhaatiir aqoon fiican u leh aqoonta xoolaha, taas oo uu dugsigani wax weyn ka tarayo.

Top


Wasaarada Caafimaadka Iyo Shaqada Oo Ka Digtay Ku Xad-Gudubka Xuquuqda Shaqaalaha

Hargeysa (Haatuf): Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada ee Somaliland, ayaa qoraal ay soo saartay 11/01/2003 ugu digtay hay’adda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa (UN) iyo hay’adaha samafalka ee caalamiga ah (INGOs) ee ku sugan Somaliland, in ay dhawraan xuquuqda shaqaalahooda, kuna saleeyaan hab maamulka shaqo iyo shaqaale ee ku cad sharciga shaqaalaha aan dawliga ahayn (Labor code). 

Waxa kale oo ay Wasaaradu qoraalkaa digniin taa la mid ah ugu jeedisay shirkadaha, wershadaha iyo goobaha gaarka loo leeyahay ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna sidoo kale ugu digeen in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqaalahooda, kuna saleeyaan hab maamulka shaqo iyo shaqaale ee ku cad sharciga shaqaalaha aan dawliga ahayn (Labor Code). Sharcigaas oo qeexaya dhammaan xilka iyo waajibaadka loo shaqeeyaha iyo shaqaalihiisaba oo ay ku cad yihiin saacadaha shaqada, fasax sannadeedka, xuquuq sannadeedka, fasaxyada Qaranka, shaqooyinka dheeraadka ah ee ka baxsan saacadda shaqada, qaabka shaqada looga saarayo, iwm.

Sidoo kale, waxay Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqadu qoraalkeeda ku adkaysay in loo shaqeeyeyaashu ay kala xaajoodaan ama la socodsiiyaan Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada, Waaxda Shaqada (Labor Department) nidaamka shaqo qorista, diyaarinta heshiisyada labada dhinac ee loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha oo ay wasaaraddu u xilsaaran tahay xalinteeda wixii khilaaf ah ee ka yimaada, isla markaana waxay wasaaradu isla qoraalkaa ku sheegtay in ay joojisay shaqaalaha Ajaanibka ah ee ka shaqeeya shaqooyinka dadka reer Somaliland aqoonta u leeyihiin. Sidoo kale, waxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqadu ugu sheegtay masuuliyiinta hay’adaha Samafalka, Shirkadaha iyo Wershadaha in ay liisaska shaqaalaha ugu soo gudbiyaan muddo dhan 10 cisho oo ka bilaabmay 15-kii bishan, isla markaana ay soo doontaan sharciga shaqaalaha aan dawliga ahayn oo la Ansixiyay.

Dhinaca kale, ururka Xidhiidhka Shaqaalaha Somaliland, ayaa soo dhaweeyay qoraalkan oo lagu socodsiiyay hay’adaha Samafalka UN/INGOs, Shirkadaha iyo Wershadaha Wadaniga ah, lana ogeysiiyay laamaha socdaalka Somaliland, iyadoo nuqul ka mid ah qoraalkaa la soo gaadhsiiyay Gudoomiyaha Ururka Xidhiidhka Shaqaalaha Somaliland, Mr. Maxamed Haybe oo sheegay in ay urur ahaan soo dhowaynayaan talaabada ay qaaday Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqadu, taas oo u ku tilmaamay mid wax wayn ka taraysa mushkiladda shaqo la’aanta ah ee haysata muwaadiniinta Somaliland iyo ku tumashada dhinaca xuquuqda shaqaalaha, ama dhibaatada kala haysatay loo shaqeeyaha iyo shaqaalaha.

Gudoomiyaha ururka Xidhiidhka Shaqaalaha Somaliland, wuxuu intaa raaciyay in ay urur ahaan ujeedada loo aasaasay ay tahay ilaalinta iyo dhawrista xuquuqda shaqaalaha muwaadiniinta Somaliland ee ku cad Dastuurka dalka iyo xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqda Shaqaalaha.

Top


BADWEYNTA FANKA IYO SUUGAANTA

Waxay Sannado Badan U Soo Halgameen Ururrinta Suugaanka Tasowday

Maxamuud Axmed Shunuuf, Maxamed Axmed Shunuf iyo weliba walaalkood C/raxmaan Axmed Shunuuf waxay sannado badan si mutadawacnimo ah uga shaqaynayeen ururinta suugaanta Somaliland, waxayna ururiyeen suugaan badan oo isugu jirta gabayo, heeso maah-maahyo, geeraaro IWM, isla markaana waxay diiwaankooda ururinta suugaanta kua sejeleen raadad badan oo la xidhiidha sooyaalka taariikheed ee suugaanta Somaliland iyo weliba hal-abuuradii, gabyaagii, xikmaawigi iyo heesaagii fanka iyo suugaanta.

Sannadkii 1982-kii dabayaaqadiisii ayey markii u horaysay bilaabeen halgankooda ururinta suugaanta firidhsan. "Xiligaa waxaanu joognay Maraykanka oo jaamacado kaga jirnay, waxaanuna markii u horaysay wax ku ururinay isgaadhsiinta iyo fariimo aanu dunida u kala dirsano, iyadoo aanu xidhiidhi jiray bahda fanka ioy suugaanta iyo cidii kale ee aanu isleenahay waxay hayaan xog taariikheed ku saabsan suugaanta"ayey yidhaahdeen, iyaga oo ka waramaya sidii ay markii u horaysay ku bilaabeen halgankooda ururinta suugaanta. "Inkasta oo aanu inta badan debedaha ka ururinay, hadana gudaha Somaliland lafteeda waxa noo qaabilsanaa C/raxmaan Axmed Shunuuf oo nooga soo ururin jiray"ayey intaa ku dareen. Laakiin iyaga oo ka jawaabaya sababta ku keliftay inay si mutadawacnimo ah isugu xil-qaamaan ururinta suugaanta waxay ku jawaabeen "Waxa noo cadaatay inay suugaanteenu dabar-go’ayso ama lumayso gebi ahaan-ba hadii aan kayd qoraal loo samayn, sidoo kale waxaanua aragnay kutub ay dad kala duduwani ka qoreen suugaanta Somalida guud ahaan in qaladaad badani ka muuqdo ama turjumad qaldan la saaray iyo weliba inuu jiro dagaal-dhaqameed lagu jiro hiddo-samida suugaanteenna, taas ayaa nagu keliftay inaanu bilowno ururinta suugaanteenna". 

Laakiin dhalinyaradani hawl adag iyo marxalado kala duwan ayey la soo mareen halgankooda ururinta suugaanta, waxayna yidhaahdeen "Inta badan telefoon ayaanu markii hore kula xidhiidhi jiray dadka macluumaadka suugaanta haya iyo ururinta wixii cajalado ah ee ay ku duubban yihiin heeso ama gabayo, sidoo kale waxaanu fariimo u dirsan jiray dadka oo aanu odhan jiray wixii aad haysaan noo soo gudbiya, ka dibna wixii ay qoraal ama cajalad hayaan ayey noo soo diri jireen, tusaale ahaan qofka na yidhaahda hadiyad noocee ah ayaanu idiin keenaan waxaanu odhan jiray cajalad gabayo ama heeso ah noo keen."

Nimanka dhalinyarada ah mar la waydiiyey ilaa inta uu gaadhsiisan yahay sooyaalka taariikheed ee suugaanta Somaliland waxay yidhaahdeen "Waa laysku haystaan xiliga ay bilaabatay, laakiin dadka qaar waxay leeyihiin waxay bilaabatay 1860-kii, balse waxaanu ogaanay inay intaa ka sii fogayd ilaa 300 oo sannadood, isla markaana waxaanu aaminsanahay inay maah-maahyadu yihiin nooca ay suugaanteenu ku bilaabatay, gabayaduna ay ku xigeen". Sidoo kale nimankan dhalinyarada ah mar la waydiiyey ilaa hadda inta ay le’eg tahay macluumaadka dhinaca suugaanta waxay sheegeen inay wax badan ururiyeen, balse aanay fari ka caweyn, iyaga oo ururiyey kumanaan gabay, heelo, geeraar iyo maahmaahyo, waxayna yidhaahdeen "Waxaanu aaminsanahay inaanu wax yar ka hayno suugaantii ka horaysay 1900, laakiin laga soo bilaabo 1900-1950 waxaanu haynaa 30%, sidoo kale 1950--- 2003 waxaanu haynaa, 50%".

"Gabayada ayaa ugu badan bahda suugaanta, laakiin ilaa hadda waxaanu haynaa ilaa 250, hal-abuurada kalena ilaa 200, sidoo kale waxaanu haynaa fanaaniin badan"ayey yidhaahdeen. Laakiin mar la waydiiyey ujeedada ay higsanayaan waxay yidhaahdeen "Waxyaabaha ugu waaweyni ee aanu higsanaynaa waxa ka mid ah inay suugaanteenu noqoto ama yeelato kayd qorran oo dhigaal ah, lagana sameeyo kutub qorran oo uu jiil-ba jiil ka dhaxlo, laguna iskuuladeenna, ta kale ee aanu doonaynaa waxay tahay inaanu lumin af-suugaaneedkeenu, waayo tusaale ahaan 40 sannadood ka hor kelmadihii la isticmaali jiray ee af-Somaliga ahaa maanta cidina ma garanayso, taasn waxa ugu wacan qoraal la’aanta suugaanteenna. Sidoo kale waxaanu doonaynaa in kor loo qaado tiqada iyo sumcadda suugaanteenna, dhinaca kalena qoraalka suugaanteenu waxa uu wax ka tarayaa sooyaalkeena taariikheed, waayo suugaantu waxay ka hadashaa xili wixii dhacay iyo sida ay xaaladda nololeed ahayd. Tusaale ahaan bal eeg tuducan gabayga ah "Turki baa la moodaa sidii taajka naagaha’e", gabaygaasi wuxuu muujinayaa xiligii uu Turkiga dalkeena joogay oo ahayd Qarnigii 16aad, ta kale gabayadeenu waxay xataa muujinayaan xiligii aynu islaamka noqonay."

Dhalinyaradani inkasta oo ay halgan badan oo mutadawacnimo ah u soo galeen ururinta suugaanta, hadana waxay niyadsami badan ka qaadeen sida ay dadku u dhiirgeliyeen, iyaga oo sheegay inay dad badani ku dhiirigeliyeen inay hawshaa halkaa ka sii wadaan, taasina ay ku abuurtay niyad sami ay hawshaa ku sii wadi doonaan, waxayna sannadahaa badan halgankooda wadeen, iyaga oo aan cidna gacan dhaqaale ka helin. 

Laakiin hadii aad doonayso macluumaadka kala nooc-nooca ah ee ay dhinaca suugaanta ka ururiyeen waxaad booqan kartaa Web-site-ka Shunuuf. Tripod. Com.

Top


Cali Duul-Duul Iyo Suugaantiisa Casriga Ah

Q: 2aad

Intiinii akhrisatay qormadii badweynta fanka iyo suugaanta ee toddobaadkii hore waxaynu ku soo qaadanay qaybtii 1aad ee suugaantaa casriga ah ee Cali Ismaaciil Carab (Cali Duul-duul) oo ah abwaan dhallinyaro ah suugaantiisuna ay tahay mid casri ah oo aad loo jecel yahay. qaybtan maanta waxaynu ku soo qaadanaynaa gabayga (Googaa) oo uu cali tiriyay sannadkii 2002. sida uu Cali sheegay gabaygan waxaa ku dhaliyay markii uu arkay ama maqlay qaybo ka mid ah suugaanta oo laga sii daayay idaacadda ama lagu qoray jaraa’idka kuwaas oo uu qaafiyadooda khaladaad ku jiro. Tusaale ahaan waxa uu Cali sheegay inuu arkay qof gabay tirinaya oo isku daraya xarfo aan isku iman karin sida c,b,y iyo j.

Markaa kadib ayaa Cali ku dhalatay inuu tiriyo gabaygan isaga oo magacaabaya hal-abuuro badan oo caan ku ah sugaanta gaar ahaana gabayga. Raggan oo uu Cali sheegay inuu u bogay suugaantooda "Ma lihi intan uun baa wax taqaana ee waa intii aan anigu magacooda aqaanay ama aan maqlay," ayuu yidhi Cali, isaga oo ka cudur-daaranaya haddii uu ka tegay magacyada rag ku caan ah suugaanta, waan kan gabaygii GOOGAA.

Gabay waa Hadraawi iyo Ganey, Gaariyiyo Dheege,
Ama waa Gadhliyo Sugulle iyo Shaacir Hawgalo’e,
Gaashaan-cadiyo Caara-dhuub hawgardaadsado’e,
Gufaacooyinkii Qaasim iyo Garashadii Aaye,
Caateeye guurtuu dhigaan nacay Guraasoowe,
Dhoodaanoo ku geerarayaa garan lahaydeene,
Siciid Saalax baa lagu galladay gees la eegaba’e
Garas baa yaqaan meesha uu gawlsha ka leeyahaye
Ma goblame ninkii Tarabi baan cidi ku gaadhayne
Geed iyo shir lays wacay haddii gole la maageero
Dalmar baan gef kaga baani jirin laysma gaasiro’e
Mubaarigii ku galayixin ogaa galab-ba tay joogto
Ee aan ka gaarsiga aqoon sooma uu geline
Goohiisa waa taanan maqal laba gu’yaadoode
Gees boocan kacay baa qarribay gumaradeediiye
Gaadiid la soo kala rartiyo lacag markay gaadhay
Ee gadasho lagu baayaciyo guunyo iyo xoolo
Nin aan geyin aabiidkeed markii guudka laga saaray
Geenyada indho-li’i markay galab la siigaysay
Shilin iyo gabaaray markii lagu galooleeyay
Ee uu garaabada noqdaan taydii gaabsadaye
Waxaan uga gol leeyahayna waan idin gar-waaqsiine
Nimanyahow fankii waa la gubay gurada weynaaye
Goonyaha waxa lagaga shiday gawlaliyo jiice
Sidii goosan adhiiyoo lumoo weere kala gaabshay
Geesaha waxa lagu sheegayaa gaagii soo hadhaye
Goobaare iyo baa la dhigay gegi habaas weyne
Ana baadi-goobaan ahaa goor iyo ayaane
Godobtiisa waa daba socdaa meel kastuu galo’e
Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxaan ku soo gaabshay
Suugaanta goror iyo haddaan gogoldhig loo yeelin
Gole loo habeeyiyo haddaan madal la geynin
Gadoon iyo waxay halis u tahay inay gadoontaaye
Bayd gaabow ka guur waa ku dabagalaynaaye

Top


9 Dal Oo Carab Ah Oo Ka Shiray Xaalka Sudan Iyo Somalia

Khartoum (W.Wararka) - Wasiirada Arrimaha Dibedda ee sagaal dal oo Carbeed ayaa shir uga socdaa caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum, iyada oo qodobada ugu waaweyn ee ay ka hadlayaan ay yihiin nabad-raadinta dalka Suudaan iyo xaaladda dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Wasiirada Arrimaha Dibedda oo kala socda dalalka Masar, Suuriya, Suudaan, Aljeeriya, Imaaraadka Carabta, Sucuudiga, Cumaan Liibiya, Yemen iyo xog-hayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamar Muusa oo shirkaasi guddoominaya.

Muddada uu shirku u socdo waxa ay isla gorfaynayaan sidii nabad waarta looga dhalin lahaa dalka Suudaan iyo sidii loo samayn lahaa sanduuq dhaqaale oo dib loogu dhiso Koonfurta Suudaan, waxa intaa u dheer xaaladda dalka Soomaaliya, iyada oo uu shirkaa ka qaybgelayo wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda C/qaasim Yuusuf Dheeg.

Marka la eego xaaladda dalka Suudaan waxa uu shirku isla eegayaa sidii la isula meel-dhigi lahaa shir nabadeed oo dhexmara dawladda Suudaan iyo Jabhadda SPLA oo uu haatan hakadeen wadahadalladii u dhaxeeyay. Jabhadda SPLA ayaa doonaysa in Koonfurta Suudaan ay ka go’do dalka intiisa kale, halka ay dawladduna kaga adkaysanayso in Koonfurta Suudaan la siiyo maamul-hoosaad awooddiisu badan tahay. Dhinaca xaaladda Soomaaliya ma cadda Ajandaha rasmiga ah ee ay isla soo qaadayaan, balse waxa la filayaa inay isla soo qaadaan halka ay marayso dedaalka loogu jiro nabad ka islaaxinta Soomaliya iyo sidii loo dhisi lahaa dawlad dhexe oo loo dhan yahay. Waxa kale oo ay wasiiradu isla soo qaadayaan afkaar ku saabsan xoojinta wada shaqaynta dalalka Carbeed oo uu soo bandhigay hoggaamiyaha Liibiya Macammar Al-qadaafi, taas oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Shirkani wasiirada oo ah guddi ay hore u saareen dalalka Carabtu waxa lagu wadaa in maanta la soo gebogebeeyo hawlihiisa.

Top


Dedaal Loogu Jiro Baajinta Weerar Lagu Qaado Ciraaq

Baghdad (W.Wararka) - Madaxda dalalka Carabta ayaa bilaabay dedaal dimlomaasiyadeed oo ay ujeeadiisu tahay sidii looga hortegi lahaa weerar lagu qaado dalka Ciraaq, taas oo ku soo beegantay iyadoo uu Maraykanku ku soo ururinayo Khaliijka ciidamo fara badan, isaga oo u diyaar-garoobaya weerar uu ku qaado Ciraaq.

Madaxweynaha dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa maalintii shalay booqasho gaaban ku tegay dalka Sucuudiga isaga oo wadahadallo ku saabsan xaaladda Ciraaq la yeeshay madaxda Sucuudiga. Madaxweynaha Masar waxa uu sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay in xal loo helo xaaladda Ciraaq si looga badbaado dagaal ka holca khaliijka.

Madaxweynaha Suuriya Bashaarul Asad ayaa isagana lagu wadaa inuu maalinta beri ah booqasho ku tago dalka Iiraan, iyada oo ay madaxda labada dhinac ka wada-hadli doonaan xaaladda Ciraaq iyo guud ahaan Khaliijka.

Dhinaca kale, dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay doonayso in dalka Ciraaq loo adeegsado xoog, iyadoo aanu wax go’aan ahi ka soo bixin golaha ammaanka ee Q.Midoobay, hadii uu madaxweyne Sadaam Xuseen ku xad-gudbo go’aanka Golaha Ammaanka ee lambarkiisu yahay 1441.

Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay inay Sadaam Xuseen hortaalo inuu kala doorto dagaal lagu qaado iyo inuu u hoggaansamo go’aanada golaha Ammaanka.

Top


Taariikhda Gypsies-Ka

Dad Dibadyaal ah oo ku nool Yurub Iyo Meelo Kale oo Dunida ah

By Peter Godwin - Waxa Turjumay Cumar D. Cumar 

Gypsies waa dad ku nool Yurub iyo Maraykanka, qowmiyadda Gypsiess waxaa inta la ogyahay ay ku noolaayeen Yurub ilaa qarnigii 14aad, wax yar ayaa ka qoran taariikhda dadkan loo yaqaan Gypsies, oo ah dad leh dhaqan degaano xaafado isku rarana, xog tixraaca oo laga soo dheegay lahjado ka mid ah luuqda hadal ee dadkan ayaa sheegaysa in dadkani ay asalkoodiii ka yimaadeen waqooyiga Hindiya oo ay dool ku yimaadeen Masar (Egypt), kumaankun sano kahor waxayna ka shaqayn jireen farsamooyinka birta, culumo xaga diinta ah iyo shaqaale adeeg, halka ay ka soo galeen Yurub oo dadka qaar ay rumaysan yihiin in Yurub ay ka soo galeen dhinaca Egypt (Masar) ayaa ah magacaas la soo gaabiyay in uu ka yimid magacan hadda looga yaqaan Yurub ee ah Gypsiess.

Jilibada hoose ee qabil ahaan ay Gypsies-ku u si kala baxaan waxay ku salaysantahay xarfadooda dhaqanka, shaqada ee ay ku xoogsan jireen, qoomiyadan Gypsies-ku waxay leedahay waxyaalo ay ka cibaadaystaan sida sannad walba bisha May 24-keeda, dalka Faransiiska waxa isugu yimaada magaalada Les Saintes Maries oo ah magaalo yar oo ay ku nool yihiin ilaa 2500 oo qoys, waqtigaa waxa isugu yimid ilaa 10,000 oo qof oo qoomiyadda ka cibaadaysta meel ay ku ciseeyaan (Black Sarah) oo ay rumaysan yihiin inay tahay Mary Jacob (Maryan) walaasheed oo ay ahayd Nebi Ciise Habar-yartii, dadkan oo rumaysan mad-habta Catoli-ga ee diinta Masiixiga Gypsies-ku waxay u yaqaanaan dadka kale ee aan ahayn qoomiyadooda magaca Gadje.

Dadkan oo leh dhaqan reer miyi oo aan dabcigooda aad u raali-gelin dhaqanka magaalada iyo caadooyinka ay rumaysan yihiin ayaa keenay kala kulmaan dalalka Yurub oo lagaga mamnuucay qaadashada dharka ee ay caadada u leeyihiin, ku hadalka afka ay gaarka u leeyihiin, takoor ah inay ciyaaraan ciyaaraha ay hiddaha iyo dhaqanka u leeyihiin, meelaha qaarna Yurub waa lagu addoonsaday Gypsies-ka.

Dalka Romania waxa la xoreeyay Gypsies-ka 1800 markay taariiikhdu ahayd. Dagaalkii labaad ee adduunka taliskii Naasiga ee Jarmalku wuxuu geeyay xeryihii Xasuuqa ee Holocaust ilaa milyan badhkii oo qoomiyadaas ah.

Gypsies-ku waxay xeryaha xasuuqa ee Naasiga ee Holocaust waxay u yaqaanaan Porraimos, cadaadiska ay Naasigu kala kulmeen Gypsies-ka waxa kaloo ka mid ahaa fardihii oo laga laayay, magacyada oo laga beddelay, haweenkooda oo dhalmada laga dhufaanay iyo carruurtooda oo qoysas kale lagu wareejiyay, dad aan Gypsies ahayn. 

Qiyaas ahaan 8 ilaa 12 milyan oo Gypsies ah ayaa ku filiqsan dalalka Yurub. Boqolaal kun oo qowmiyaddaas ahina waxay u qaxeen Maraykanka.

Inyar ayaa qaba Gypsies-ka inay qowmiyadoodu u baahan tahay inay helaan dal iyaga u gaar ah, sidaa waxa xusay Ronald Lee oo ah nin ka dhashay qowmiyadda Gypsies-ka oo hadda ku nool Canada.

Dalka Slovakia waxa ku nool haaf milyan Gypsies ah, dalkaas oo guud ahaan tirada dadkiisa lagu qiyaaso shan milyan waxay dadka Gypsieska ahi kaga nool yihiin Slovakia guryaha dunsan ee gaboobay, Guryaha ku meel-gaadhka ah ee la isku xidh-xidho iyo meelaha miyiga ah qaarkood, Miki Horrath oo ka mid ah qoomiyaddaas ee ku nool halkaas ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in dhawr awow ay qoyskoodu halkaa ku noolaayeen oo isna halkaa ku dhashay, wixii intaa ka horreeyayna inuu sheeko ku hayo in awowyadii ay dalba dal uga gudbayeen.

Horrath wuxuu intaa ku daray inaanu xaqiiq ahaan hubin asal ahaan halka uu ka yimid isirkiisu laakiin uu maqlay inuu Hindiya ka isirsan yahay, sidaa waxa yidhaa dadka cad oo nagu qaylya oo yidhaa Hindiya ku noqda ayuu ku dooday Horrath oo ahaa nin indhihiisu buluug yihiin oo leh timo jilicsan oo kala rogan.

Nicolae Paun oo ah siyaasi ka dhashay qoomiyaddan ayaa laga soo xigtay inuu sheegay haddii qof ka mid ah qoomiyadoodu uu dhib geysto ama khasaare keeno inaan qofkii loo raacan shakhsi ahaan ee ay beel ahaan ku wada bixiyaan magta soo hoyotay si loo ilaaliyo sharafta qoomiyadooda.

Qoomiyadan Gypsies-ka oo ay is shabah xaga taariikhda ka soo martay dhinaca cadaadiskii uu Naasigii Jarmalku kula kacay Yuhuudii ku noolayd Yurub dagaalkii 2aad ee adduunka waxa dhibaatada soo gaadhay iyo nolosha hoose ee dad ka midi ku nool yihiin lagu sababeeyaa inaanay midnimo iyo talo meel ka unkan aanay lahaan jirin, laakiin sanadkii 1971-kii ayay shirkoodii ugu horreeyay ku qabsadeen Ingiriiska, iyada oo ay wufuudii Gypsies-ka ahaa ee ka qaybgalay ay ka yimaadeen 14 dal oo dunida ku kala yaala oo ay ku kala nool yihiin.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 1979, waxaa jira lataliyaha guddiga arrimaha Bulshada ee Q. Midoobay kala taliya arrimaha Gypsies-ka, waxaana samaysmay hay’ado heer caalami ah oo ka hadla xuquuqda qowmiyaddaas.

Top


Is-Afgaranwaa Hakiyay Bilowga Waxbarashada Dugsiga Sare Ee Sheekh

"Dadka reer Sheekh waxay dareemeen in arday Masuuliyiin sare dhashay si dadban loogu daray liiska arday dugsiga wax ka baranaysa"

Sheekh (Haatuf): Dafcadii ugu horeysay ardayda wax ku baran doonta Dugsiga sare ee Sheekh oo ay maalgelisay hay’adda SOS, ayaa shalay gaadhay magaalada Sheekh. Sidaas waxa ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir (Casaan).

Dafcadan oo ka kooban 50 arday, sida loogu talogalay ardayda galeysa sannadkan, waxaa qiyaasta iskuulka wax ku baran kara 200 oo arday sida uu hore wareysi ugu siiyay Haatuf, sarkaal ka shaqeeya SOS.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland, Xuseen Cilmi, masuuliyiin ka socotay hay’adda SOS iyo maamulka gobolka Saaxil oo horkacay badhasaabka gobolkaas iyo Taliyaha Booliska, ayaa u tagay Sheekh furitaanka Iskuulkaas Sheekh oo ah Dugsi Sare oo hoy ah (Boarding School).

Gobolka Saaxil, ayaa kontonka arday ee hadda gelaya iskuulkaas, waxaa looga qorsheeyay 5 arday, halka degmada Sheekh ee uu iskuulkaasi ku yaalo looga qorsheeyay 4 arday. Hay’adda SOS, ayaa maamulka dugsigan qorsheysay in ay gacanta ku hayso. Ardayda gelaysana, waxaa loogu talo-galay in laga soo xulo lixda Gobol ee Somaliland ardayda ugu sareysa darajada imtixaanka oo haddana laga qaado imtixaan.

Weriyaha Haatuf ee Gobolka Saaxil, ayaa arrintan wareysi kala yeeshay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada, Xuseen Cilmi oo u tegay Sheekh hawsha furitaanka iskuulkan. Agaasimaha Guud oo ugu horeyn ka xogwaramay qaabkii furitaanka Iskuulka Sare ee Sheekh, wuxuu yidhi, "Markii Iskuulka dib u dhiskiisii faraha laga qaaday, ayaa hay’adda SOS oo waxbarashada Iskuulkan gacanta ku haynaysaa in ay nala soo xidhiidheen wasaarad waxbarasho ahaan oo naga codsaday sidii heshiisku hore u ahaa in ardayda iskuulada Somaliland wax ku baratay ee dhammaysatay fasalka sideedaad ay yimaadaan oo ay sidii iskuulkaasi waxbarashadiisu ahayd ay si wanaagsan wax ugu bartaan, waxay naga codsadeen in ardayda ugu fiican xaga tacliinta in ay jecel yihiin in ay imtixaan ka qaadaan, anagana way na raali gelisay, sida ay u soo nooleeyeen taariikhdii iskuulkaasi lahaa oo ay lambar 1 ka noqdeen hay’adihii dalka joogay, sida ay SOS u dhistay iskuulkaasi, markaas anana sidii ay naga codsadeen waxaanu u qorshaynay in aanu imtixaan ka qaadno oo aanu ardayda ugu tayada wanaagsan xagga waxbarashada aanu siino, markaa waxaa intaa dheeraa Saddex kun iyo lixdan arday oo dugsiyada dhexe imtixaankii lagaga baxayay u fadhiistay sannadkii tegay, markaas si aanu gobolladoo dhan u wada raaligelino gobol waliba boqolkiiba imtixaanka sannadkii dhoweyd intuu ka helay ayaanu tixgelinay. Dabadeed, waxaa timid Sheekh oo odayaal badani nooga yimaadeen oo ay noo sheegeen in ay tixgelin mudan yihiin, waxay noqotay arrin gar ah, waxaananu u yeedhnay hay’adda SOS, markaa waxaanu isla qaadanay in sannad walba afar loogu daro degmada Sheekh oo dheeraada, wixii kale ee ay degmadu saami ahaan leedahayna ay imtixaanka ka soo qaybqaataan. Markaa maalintii imtixaanku dhacayay Sheekh ardaydeedu kamay soo qaybgelin, iyadoo martiqaadkana loo geeyay."

Xuseen Cilmi, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadu, wuxuu sheegay in iskuulkan sare ee Sheekh oo ay gacanta ku hayso SOS uu ka mid yahay 150 (boqol iyo konton) iskuul oo ay maamusho hay’adda SOS oo ku kala yaalla dunida oo ardayda dhigatana ay hay’adda SOS u bedesho iskuul kale oo ay iyadu maamusho haddii loo baahdo, sidaa daraadeed ay jiraan afar arday oo hay’adda SOS ay ka keenayso Xamar oo ka mida ardayda wax ku baran doonta iskuulkan sare ee Sheekh, sidaasna uu heshiiskii hore looga galay maamulka Iskuulkaas.

Sida uu sheegay Agaasimaha Guud, Xuseen Cilmi, 50 arday ee lagu furayo waxbarashada D/Sare ee Sheekh, toban ka mida ayaa ah hablo. Hablahaas oo degaya guryo gaara, halka ay inamadu ka degi doonaan hoolalka hurdada ee Iskuulka gudihiisa.

Warkani wuxuu intaa ku daray in degmada Sheekh oo aan lahayn Dugsi Sare oo kale ay dadweynaha ku nooli doonayaan xal ka gedisan 4-ta arday ee loo qorsheeyay.

Gudoomiyaha Degmada Sheekh, Maxamed Xuseen Qamariye oo arrintaa ka waramayay, ayaa sheegay in khaladka saamiga loo qoondeeyay magaalada Sheekh ardaydeeda ay iska leedahay Wasaarada Waxbarashadu iyo in xalka arrintan ay ka mid noqon karto Dugsi Sare oo loo helo degmada Sheekh.

Warar kale ayaa xusaya, in ardayda loo xulay Iskuulka ay ka muuqato in aan lagu koobnaan nidaamkii ahaa in imtixaan lagu xulo ee ay jiraan dareemo muujinaya in carruur ay dhaleen masuuliyiin sarsare oo xilal haya ay ka mid yihiin ardayda liiska hadda gelaya iskuulka.

Dareenka ay dareemeen in ay ardayi ku soo gashay farsamo kale, ayaa ka mida in aan dadka magaalada uu iskuulku ku yaalo aanay ku qancin saamiga la siiyay.

Warku wuxuu intaa ku daray in ardayda iskuulkaa geli lahayd ay dib u soo noqdeen khilaaf jira awgii, taas oo ay dadka reer Sheekh eedda saarayaan masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashada, Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Masuuliyiintii W/Waxbarashada ee Sheekh u tagtay bilowga Waxbarashada iskuulka sare ee Sheekh, ayaa u soo noqday Hargeysa, si ay arrintaa u xaliyaan.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 67aad

Mingistu: Markii aan isugu yeedhay guddiga fulinta ee golaha dhergiga ee aan damcay inaan hadlo ayaa waxa xafiiskayga yimi Baaderiyad (Naag baaderi ah) oo yidhi waxaan doonayaa gaashaanle Mingistu, laakiin waxaan idhi "anigu waqti uma hayee ee kornayl Adnaafu hala kulmee is qaabilsiiya", laakiin markii batriyaat sidaa loo sheegay ayuu yidhi "Aniga iyo kornayl Adnaafu wada hadli mayno, waayo kornayl Adnaafu wuxuuba u fidhanayaa inuu I dilo, sidaa darteed Adnaafu lama kulmayee gaashaanle Mingistu ayaan doonayaaye ha ila kulmo, hadii kale oo aanu gaashaanle Mingistu ila kulmayn waan iska laabanayaa", dabadeedna markii la ii sheegay inuu sidaa yidhi, isla markaana kornayl Adnaafu iyo Batriyaat isma ay arki karayn, laakiin waxa dhexmaray waan fahmi-waayey, sidaa darteed waxaan idhi "Waayahaye soo daaya waan la kulmayaaye", dabadeedna waa la ii soo daayey, laakiin keligii muu ahayn markii uu ii soo galay ee waxa la socday laba nin oo kale oo qolada kaniisadda ah, waxayna igu yidhaahdeen "hadii boqorka la aasayo hanaloo ogolaado in lagu aaso kaniisadda Silaase si aanu halkaa gunaanadka ugu samayno", laakiin markii aan eegay arintaa ay ii soo jeediyeen ama dalbadeen nimankaa kaniisadda ka socdaa waxaan qiyaasi kari waayey sida ay shicibku ugu qancayaan, dabadeedna waxaan nimankii ugu jawaabay, "Waxaad I waydiiseen wax aanan filayn, sidaa darteedna arintaas kamaan fekerin, isla markaana xubnaha dhergigu sida ay arintaa u arki doonaan iyo go’aanka ay ka gaadhi doonaan ma garan karo hadda, markaa waxaan u baahanahay inaan la tashado xubnaha golaha dhergiga, ka dibna waxa ay ka yidhaahdaan ayaan idiin soo sheegi doonaa ee iga war suga."

Laakiin shirka golaha dhergiga hadii arinta ay qolada kaniisaddu iila yimaadeen lagu soo qaado inay arintu qadhaadhaanayso waan iska garanayey, sidaa awgeed waxaaan iska sii garanayey in marka aan arintaa u bandhigo inay jiraan qaar markiiba odhanaya "Waa sidee waa maxay sheekada caynkaas ahi, mana aha inaad boqorka u aragtaan wax abuur gaar ah oo dadka ka duwan leh, miyaydaan waxyaalahaa weli iska dayn, ta kale baoqorku hadii uu dhintayaaaaaaaa muxuu kaga duwan yahay dadka kale" iyo hadalo kale inay odhanayaan waan iska sii garanayey, sidaa darteed guddigii fulinta oo qudha ayaan isugu yeedhay, ka dibna aan ku idhi "Arinta caynkaas ah ayaa laynaga codsaday ee maxaad u malaynaysaan ama sidee baad u aragtaan", waxayna iigu jawaabeen "Horta baoqorku waxa uu ahaa waa inaanu aragnaa, miyaanu ahayn shakhsi caadi ah oo kale, ta kale boqorka markii aynu xukunay inuu xukunka iskaga dego wuu ka degay, isla markaana maadaama uu ahaa boqor iyo nin da’weyn intii aynu kool-koolin karaynay waynu kool-koolinay, sidoo kale wixii aadaminimo ahaa ee aynu qaban karaynay waynu u qabanay, isla markaana 82 sannadood markii uu jiray ayuu geeriyooday, wuxuuna ahaa nin nasiib leh wixii intaa ka dambeeya inaynu wax kale dareen siino iyo inaynu isku mashquulino ma aha", sidaa darteeda waxa golihii dhergiga ka soo baxday jawaab taban, weliba mid ka mid ah xubnaha golaha dhergiga ayaa inta uu kacay kor ugu dhawaaqay "Hayaay maxaa loo doonayaa in lagu aaso Silaase, waayo boqorku kama mid ahayn daraawiishtii, Silaasena daraawiishta oo qudha ayaa lagu aasaa, waar sidaasi ma soconayso."

Dabadeedna intaan baaderiyadii u yeedhay ayaan ku idhi "Raali naga ahow arintu may noqon sidii aad moodayseen", ka dibna baaderiyadii inta uu wejigeedii isbedelay ayey dhibaato kale abuurtay, laakiin waan la hadlay oo waxaan ku idhi "Boqorku daraawiishta kama mid ahayn oo Silaase laguma aasayo, gunaanadkana halkaa laguma samaynayo, ta kale qolada baabaska ee wax gunaanada maalin walba intaas oo askar ah ayaa dhimata ee muxuu u codsan waayey inuu gunaanado, markaa arimo badan oo arinta dhimashada boqorka la xidhiidha ayaa la soo hadal qaaday way noqon wayday arintu sida aad moodaysaan, mana jirto wax aan idinka qarinayaa, ta kale hadii sida aad doonaysaan la yeelo waxay taasi dhalin kartaa dareen xasaasi ah iyo dhibaato xagga siyaasadda ah, sidaa darteed iga raali ahaada, mana jirto wax aan arintiina ka qaban karaa", dabadeedna sidaa ayaanu ku kala tagnay. Ka dibna guddigi fulinta ayaa ka wada hadlay boqorka sida loo aasayo, dabadeedna markii aanu ka wada hadalnay ayaan ku idhi " Hadaba in boqorka lagu tukado, in la gunaanado iyo waxyaalaha kaleba ma aha kuwo aynu fasaxi karno, run ahaantiina taageerayaashiisii iyo kuwii taajka taageersanaaba waxa laga yaabaa inay sugayaan habka caynkaas ah in loo aaso boqorka, taasina waxay inagu keeni kartaa dhibaato siyaasadeed, laakiin xaggeen marka la eego sida ay hadda xaaladda siyaasaddu tahay inay dhibaato timaado looma baahna ", laakiin markii arinta laga dooday waxay ugu dambayn su’aashu noqotay "halkee ayeynu boqorka ku aasnaa", dabadeedna waxa la yidhi "aynu ku aasno meesha la yidhaahdo Baa’ata", laakiin waxa intaa lagu daray oo isla qaatay inaan wax durbaan ah ama turubo ah laga dhawaajin ama la tumin ee sanqadh la’aan halagu aaso, ka dibna amarka caynkaas ah ayaan u gud-biyey guddigii xabsiyada qaabilsanaa, sidaas ayeyn ku dhamaatay sheekadu.

Ganat: Markaa miyaad xaqiijisay inuu amarkii aad bixisay sidaa loo fuliyey?

La soco cadadka dambe.

Top


HORMOOD, SAHAN Iyo ASAD Mowqif Noocee Ah Ayay La Hortageen Odayaasha Guurtida?

"Waa in la dhiso xukuumad ku-meelgaadh ah"

"Waa in la dhammaystiro Doorashooyinka Deegaanka"


Hargeysa (Haatuf): Guddiga ay golaha guurtidu u xilsaareen inay xog-waraysiyo la yeesheen axsaabta siyaasadda ayaa shalay xaruntooda kula kulmay saddex urur ee kala ah HORMOOD, SAHAN iyo ASAD, waxayna odayaasha guurtidu hogaamiyayaasha saddexdaa urur ka dhegaysteen dood dheer oo ku saabsan sida ay u arkaan marxaladda uu dalku marayo iyo sida looga gud-bayo.

Kulankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhan yihiin oo ay saxaafaddu debedda ka joogtay waxa uu qaatay inka badan saddex saacadood, waxaana halkaa doodo ka jeediyey gudoomiyayaasha saddexdaa urur, Axmed Muxumad Madar (HORMOOD), Saleebaan Maxamuud Aadan (ASAD) iyo Maxamed Cabdi Gaboose (SAHAN) iyo weliba xubno ka mid ah madaxda saddexdaa urur, laakiin waxay ururadaasi odayaasha Guurtida gacanta ka saareen qoraalo xambaarsan mawqifyadooda. Sidoo kalena waxay madaxda ururadaasi dhamaadkii shirkaa ka dib waxay dhamaadkii shirkaa ka dib xog-waraysiyo koob-kooban siiyeen saxaafadda.

"Sidii aanu hore idiinku soo gudbinay doorashadii golayaasha degaanka ee dalka ka dhacday 16 degmo oo dalka ka mid ah waxaanu qiraynaa inaanay xataa 16 degmo si xaq ah uga dhicin", sidaa waxa qoraalka ay odayaasha Guurtida hordhigeen ku yidhi HORMOOD, iyaga oo intaa raaciyey "Waxaanu aaminsanahay in maamulkii, ku dhawaaqiddii natiijada iyo kala reebistii ururada aan midna loo marin sida xeerka doorashooyinku dhigayo, waxayna ahayd sharcid daro, hadii sharci ku tumashada la caadaystana waynu garan karnaa aayeheeda, waxaanuna talo ku bixinaynaa inaanay guurtidu dhayalsan arintaa, iyadoo ay arintaasi inagu keeni karto Somaliland oo kala qaybsanta, halkaana lagu waayo midnimadii iyo madax-banaanidii."

Ururka HORMOOD waxa uu ku taliyey in mudada la kordhiyo, laakiin waxay intaa raaciyeen "Waa in la magacaabo Madaxweyne iyo Madaxweyne-kuxigeen ku meel-gaadh ah oo laga soo xulo labada gole ee Guurtida iyo wakiilada, iyadoo la wafajinayo distoorka, madaxweynahaa iyo kuxigeenkiisuna waa inay dhisaan dawlad wadaag ah oo ka kooban lixda urur siyaasi, dawladaasina waa inay yeelato waqti cayiman, shuruudo qeexan iyo awoodo xadidan, isla markaana waa inay dawladaasi u hawl gashaa sidii ay dalka oo dhan doorasho xor ahi uga dhici lahayd."

Ururka HORMOOD dhibaatooyinkii ka dhashay doorashooyinkii golayaasha degaanka iyo weliba qorsho xumada ka muuqatay muddaynta doorashada madaxtooyada waxay eedeeda dusha ka saareen guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, sidaa darteed waxay farta ku fiiqeen inaan guddiga doorashooyinka ee hadda jira lagu aamini karin wax dambe, iyaga oo yidhi "Guddiga doorashooyinka waa in si degdeg ah xilka looga wareejiyaa, loona igmadaa dad xilka culus ka soo bixi kara". Laakiin ururka HORMOOD, isaga oo tilmaamaya mawqifkiisa ku wajahan xukuumadda hadda jirta wuxuu yidhi " Waxa reebban in xukuumadda hadda jirta loo kordhiyo waqtiga, iyadoo ka soo bixi wayday xilkii loo igmaday". Sidoo kale waxa uu ururka HORMOOD intaa ku daray inaan qoddobka 83aad ee distoorka loo cuskan karin muddo kordhinta xukuumadda, waayo bay yidhaahdeen ma jirto nabadgelyo daro.

Ururka SAHAN ayaa isna qoraalkii uu odayaasha hordhigay ee uu mawqifkiisa ku wajahan marxaladda ku sharaxay waxa ugu horayn ku sheegay inuu ku talinayo in waqtiga kala guurka la dhiso xukuumad ku meel-gaadh ah oo ay hogaaminayaan gudoomiyayaasha labada gole ee baarlamaanka. Laakiin waxa kale oo ay sheegeen in qaabkii loo maamulay doorashada iyo sidii loo kala reebay ururada midna aanu waafaqsanayn xeerarka doorashada iyo ansixinta axsaabta, sidoo kale ururka SAHAN waxa uu ururka UDUB ku dhaleeceyey inay awooddii maamulka iyo dhaqaalihii ummadda u isticmaalayaan UDUB iyo sidii ay u soo saari lahaayeen musharaxa UDUB Daahir Rayaale Kaahin (Madaxweynaha).

Waxa kale oo uu ururka SAHAN ku taliyey in inta ka horaysa 23-ka Jananweri, 2003 ay baarlamaanka (Guurtida & wakiilada) iyo lixda urur-siyaasadeed isla meel-dhigaan sidii xal loogu heli lahaa waqtiga kala guurka, iyadoo sharciyadana la waafajinayo, isla markaana inta ka horaysa 23-ka Jananweri, 2003 la dhiso xukuumad ku meelgaadh ah oo xilka la wareegta 23-ka Febarweri, 2003. "Xukuumadaasi waa inay yeelataa gole wasiiro ah oo ka kooban 18 xubnood, kuwaas oo uu lixda urur mid waliba keeno 3 xubnood, isla markaana golaha wasiirada waa in laga dhex-doorto lix xubnood oo si gaar ah u ilaaliya hantida iyo awoodaha Qaranka si aanay cidina ugu adeegsan olole siyaasadeed’ayey yidhaahdeen hogaamiyayaasha ururka SAHAN, waxayna intaas ku dareen "Xukuumadda ku meelgaadhka ahi waa inay magacowdo guddi doorashooyin oo cusub, maadaama ay guddiga maanta jiraa hawshoodii gabeen, isla markaana ay jebiyeen distoorkii iyo xeerarkii dalka". Sidoo kale waxa uu ururka SAHAN yidhi "Iyadoo la dhiiri gelinayo dimoqraadiyadda ururada la leeyahay way hadheen waxay haystaan inka badan 1/3 codadkii doorashooyinkii dalka ka dhacay, isla markaana waxa jirtay maamul-xumo badan oo komishanka ah, dalkana doorashadu kama wada dhicin, sidaa darteed lixda urur-ba waa in loo aqoonsado xisbiyo qaran oo doorashada ka wada qayb gala, taana distoorka la waafajiyo."

Ururka ASAD ayaa isna qoraalka uu mawqifkiisa ku cadaynayo ku bilaabay "Dalka Somaliland 7 degmo ayaanay doorasho ka dhicin, taas oo noqonaysa 1/3 degmooyinka dalka, taas oo gef ku ah distoorka iyo xeerka doorashada oo ina faraya waa inay lixda gobol ee dalka doorashadu ka dhacdo."

Hogaamiyayaasha ururka ASAD, sidoo kale waxay canbaareeyeen guddiga doorashooyinka Qaranka oo ay ku tilmaameen kuwo xilkoodii ka soo bixi waayey, isla markaana abuuraya muran distooriya iyo sheegasho awoodo sharci daro ah, iyaga oo intaa ku daray inaan guddiyada doorashooyinka iyo ansixinta axsaabta lagu dhaafin gefafka sharci ee ay galeen ee wax laga qabto, lana saxo qaladaadkii ay ka galeen doorashadii degaanka.

"Guurtidu afar goor oo hore ayey muddo-kordhin samaysay, welina dhibtii way taagan tahay, isla markaana golaha guurtida waxa dhaqanu noqotay in marka arimahaasi inala soo dersaan ay talada gaarkooda u gaadhaan, taas oo aanay afkaarta loo soo jeediyo waxba ka qaadan, ka dibna uu nabarku halkiisii ahaado"ayey yidhaahdeen madaxda ASAD. Laakiin ururka ASAD, iyaga oo ka hadlaya marxaladda kala guurka waxay yidhaahdeen "Waxaanu qabnaa inaanay suurtagal ahayn qaban-qaabinta dooarashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka ilaa inta ay maqan tahay cod-bixinta degaanka ee degmooyinka dalka ee dhiman oo ay ku xidhan tahay qaranimo buuxdaa, sidoo kale waxa taa ku xidhan kala reebista ururada siyaasadda."

Sidoo kale ururka ASAD waxa uu ku taliyey in la helo xukuumad cusub oo dalka hogaamisa xiliga kala guurka, isla markaana uu xukuumaddaa xilkeedu noqdo "Dhamastirka doorashooyinka golaha degaanka ee 7-da degmo ee dhiman, ku fidinta maamulka gobolada dalka oo dhan iyo diyaarinta doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiilada", waxayna madaxda ASAD intaa ku dareen inay xukuumadda cusub ee talada loo dhiibayaa noqoto mid dhex ah oo aanay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka hogaaminayaa doorashada ka qayb gelin. Laakiin dhinaca muddo-kordhinta waxay ururadani dhammaantood isku raaceen inay muddo cusub oo la kordhiyaa lagama maarmaan tahay, basle waxay shardi ka dhigeen inay muddo-kordhintu noqoto mid shuruudo adag leh, isla markaana la sameeyo xukuumad cusub oo dalka hogaamisa mudada kala guurka, taas oo macneheedu yahay inay ka soo horjeedaan in xukuumadda hadda talada haysa aan loo kordhin muddo kale oo ay xilka sii hayso.

Top


Xubno Reer Somaliland Ah Oo Ku Soo Hungoobay Dhexdhexaadinta C/laahi Yuusuf Iyo Mucaaridkiisa

Burco (Haatuf): Xubno dad ah oo ay tiradoodu gaadhayso dhawr iyo toban qof oo la sheegay inay ergo ahaan ugu tageen ninka madaxda ka ah maamul-goboleedka Garoowe, C/laahi Yuusuf Axmed si ay u dhex-dhexaadiyaan isaga (C/laahi) iyo mucaaradka ku kacsan ee dagaalku ka dhex-ooggan yahay ayaa la sheegay inay ku soo hungoobeen ergadoodii, ka dib markii ku soo gacan-saydhay C/laahi Yuusuf.

Sida ay sheegeen warar xog-ogaal ahi nimankaa ergada ahi waxay C/laahi Yuusuf kula kulmeen magaalada Garoowe horaantii toddobaadkan, halkaas oo ay tageen toddobaad ka hor, iyaga oo sida la sheegay markii hore ka bixitimay magaalada Burco, laakiin sida ay wararku sheegeen nimankaasi way ka soo baqooleen magaalada Garoowe, ka dib markii ay ku soo hungoobeen wixii ay halkaa u tageen, waxaana la sheegay inay nimankaasi habeen hore u hoydeen magaalada Laascaanood, balse ay isla shalay magaalada laascaanood-na ka soo baqooleen. Hase yeeshee magaalada Burco oo la filayey inay maalintii shalay ilaa xalay soo gaadhaan weli may soo gaadhin, laakiin sida uu ku soo waramay Axmed Jaamac oo Haatuf ka tirsan, fadhigiisuna yahay magaalada Burco waxa la filayaa inay nimankaasi u weecdeen dhinaca degaamada Buuhoodle, gaar ahaan tuullada la yidhaahdo Coodinle.

Lama oga sababta ay nimankaasi ugu weecdeen dhinacaa, laakiin waxa loo malaynayaa inay ka maageen dhinaca xukuumadda Somaliland oo hore ugu hanjabtay inay talaabo ka qaadayso nimanka caynkaas ah, hase yeeshee badhasaab-xigeenka gobolka Togdheer, iminkana ah ku simaha badhasaabka, Yaasiin Maxamed oo aanu waydiinay bal waxa uu ka ogyahay arinta nimankaa ayaa yidhi," ma ogi inay Coodinle u leexdeen iyo inkale, sidoo kale ma hayo tiradooda uu sugan," laakiin Yaasiin wuu ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo inay maamul ahaan wax talaabo ah ka qaadayaan nimankaa iyo inkale.

Wararku waxa kale oo ay sheegeen inay nimankaasi magaalada Garoowe kula kulmeen wasiirka daakhiliga ee maamulka C/laahi Yuusuf, Axmed Cabdi Xaabsade, taas oo la sheegay inuu siiyey waxoogaa sooryo ah, iyadoo sooryadaa lagu sheegay lacag gaadhaysa inka badan $8000 - Doolar.

Inkasta oo aan nimankaa ilaa hadda si sugan loo hayn tiradooda iyo magacyadooda toona, hadana waxa ka mid ah xubnaha la hadal hayo inay ka mid yihiin: Muuse Cabdi Maxamed oo mar maayar ka ahaa magaalada Burco, isla markaana ka mid ahaa dadkii reer Somaliland ee ka qayb galay shirkii ka dhacay tuullada Carte ee dalka Jabuuti ilaa Xamar-na u raacay maamulkii C/qaasin, laakiin mar dambe soo laabtay, iyadoo markii uu Muqdisho ka soo laabtay wax yar ka dib loo magacaabay maayarka Burco. Sidoo kale waxa nimankaa ka mid ah nin caaqil ah oo la yidhaahdo Cali Af-warranle iyo nin kale oo isna la yidhaahdo C/rashiid-waraabe iyo xubno kale.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

DHALINYAHEY TOOSOO GUDO XILKAAGA

Nuux Gadiid

Qormadii hore waxeynu ku eegney kaalintey dhalintu ku laheyd halgankii, hanashadii dalka iyo halkey hada kaga jiraan horumarka dalka, hadaba dhalinyahey aan yara qaadaa dhigno qaaciidooyinka loo adeegsado qaab dhismeed hor leh ee bal aynu wada gorfeyno.

Si aynu isu qiimeyno waa ineynu yara milicsano oo qeexno qodobadan hees ku xusan

  • Awoodeena (Strength)

  • Fursadeena (Opportunity)

  • Dhaliisheena (Weakness)

  • Cadowgeena (Enemy)

Awoodeena: 

1. Isbedelka xilliga oo uu hogaaminaayo wakhtigu ayaa dhalinyarada u fududeynaya iney la jaanqaadaan wacyiga qarniga cusub ee waayihiisana wata ahna midaan wax khibrad ah loo laheyn waxeynu odhan karnaa waa kacaan cusub (new revolution).

Tusaale:
Ilbaxnimooyinkii hore sida Faraaciintii,Griigii,Romans-kii,Persian-kii,IWM, oo uu in badan Qur’aan-ku inooga waramey, qaarna waa la haligey kuwo kale oo badana waxeynu ognahey iney aataar qadiimiya ay ka tageen, kuwaas oo qarnigii tegey wax badan daraasad lagu sameeyey iyadoo la adeegsanayo aaladaha casriga iyo cilmiga aqoonxirfadeedka(technology) lagu xaqqijiyey iney umadahaasi lahaayeeen aqoon fog dhinacyo badan, aqoontaas oo dhinacyada qaar aan waqtigan casriga ah la heyn, su’aashu waxey tahey maxaa ku dhacey ibaxnimadii dadkaasi lahaayeeen hadaan dadkii cadho ALLAH(swt) ku dhacin oo aan la rogin, sidey u dhimatey ilbaxnimadoodii dadkii oo nool? Si kooban hadeynu iskugu deyno inaan uga jawaabno, waqtibaa jirey fill cusub oo umadahaasi ka mid ahi ay qaadan waayeen ilbaxnimadaas soo jirtey ama facbaa u gudbin kari waayey ilbaximadii ay ka dhaxleen aabayashood jiilkoodii ka yaryaraa ee soo kacaayey, dabadeedna facaas ayey ku idlaatey ilabaxnimadii soo jirtey halkey jiilka cusubina la jaanqaadayeen wacyiga cusub oo facaas hare aqoonteedu ku yar tahey ama ayna dareemi karin qiimeynteeda (value).

Waxaan aaminsanahey in wacyi cusubi bilaabmey, ilbaxnimadii horena ay sii dhimaneyso taas oo aad ka helli karto cadeynteeda farqa u dhaxeeya xaga fikirka filka cusub iyo facii hore(soo jireen), hadaba filka cusub waxaa saacidaaya waqtiga cusub, wuxuuna ka mid yahey waqtiga cusubi awoodaha la jira dhalinyarada.

2. Khibrada laga dhaxley noloshii adkeyd ee la soo marey sanadihii sideetnaadkii ilaa sagaashanaadkii kuwaasoon hore ugu suntaneyn sooyaalka taariikhda Somaliland marka laga eego dhinacyadan.

Top


WAAMAXAY JACAYLKU?

MAXAAN KU GARAN KARAA IN JACAYL I ASIIBAY? JACAYLKUSE DHAAWAC MALEEYAHAY?

Dhamaan su'aalahani waa su'aalo waawayn oo u baahan in kaligood buug laga qoro haddii ay noqoto in laga jawaabo, balse waxan isku dayayaa in aan tusaale yar ka bixiyo.

Jacaylku waa wax rabaani ah oo ALLE la abuuray aadamiga, waa dareenka haga rabitaanka qofka, waxad u bahan kartaa gaari, guri, dhar ama labis aad xidhatoIWM. waa inaad heshaa nooca aad jeceshahay waad ku qanci haddii uu yahay kii aad jeclayd.

Sidaa oo kale ayuu jacaylku dareenka aadamiga ula shaqeeyaa, wuxuna ku jiraa dhiiga qofka iyo dareemayaashiisa. Haddaba marka jacayl lasoo hadal qaado waxa qofkasta maskaxdiisa kusoo dhacaya wiil iyo gabadh is jecel. Dabcan waa jacaylka ugu faca wayn ee addduunka ka jira kan ragga iyo dumarku.Jacaylka ragga iyo dumarku malaha sifo jirta oo kama danbays ah oo la siin karo.

Waxay ubaahantahay inuu qof soo arko haddii aan si kale u dhigo qofka jacaylka soo maray durba waa garan karaa micnaha jacaylka, balse kan uu ku cusubyhay horay uma fahmo durtadiiba.
Jacaylka wiil gabadh u qaado ayaa ah kan ugu mucjisada badan ee adduunka ka dhaca, balse haddii kan wax jeclaaday ama la jeclaaday uuna fahamsanayn qiimaha jacaylka markaa khatartiisa ayuu wataa.

Jacaylku wuxu ku yimaada maqalka, araga iyo dareenka. Jacaylka araga ku yimaadaa wuxu la xidhiidhaa quruxda iyo xaragada qofka la arko.Haddii qof dhalinyaro ah isha ku dhufto qof jinsigiisa kale ah, siiba haddii wiilku milicsado gabadh qurux iyo xarago usaaxiib ah waxa laga yaabaa inuu jacayl uqaado gabadhii iyadoo u ogayn, jacaylkuna wuxu ku faafaa qalbigiisa iyo jidhkiisa oo dhan sida daad oodda soo goostay ama duufan dabaylo wata ama barafuun hawada la raaciyey.

Dhanka kale jacaylku wuxu ku bilaaban karaa si tartiib ah, sida in wiil ama gabadh looga sheekeeyo jinsigiisa kale, sida wiil ama gabadh dabeecad iyo qurux leh, kadib markiii aad aragtay qofkii lagaaga sheekeeyey oo ad wada sheekaysataan oo la is barto waxa laga yaabaa inaad isku aragto calaamadaha jacaylka.

Sideed hadaba ku garan kartaa inaad wax jeceshahay ama lagu jecelyahay?

Calaamadaha jacaylka lagu garto waxa ka mid ah:

U omanaan ama hillow aad uhilwdo inuu kula joogo qofka aad jeceshahay mar walba.

Aadigoo dhib kala kulma ka fekerka waxyaabaha kale ee aan ka ahayn jacaylkaaga, oo mar walba waxad ka fekertaa qofkii aad jeclayd sida inuu kula joogo.

Garaaca wadnaha oo saa'ida marka aad maqasho magaca ama codka qofka aad jeceshahay ama aad kula kulanto dariiq ama guri si kadis ah.

Wuxu qofku jeclaadaa in goor walba looga sheekeeyo samaanta iyo wanaaga qofka uu jecelyahay,mana u dulqaato cay ama aflagaado loo geysto qofka uu caashaqay.

Wuxu qofka wax jeceli jeclaadaa inuu goor walba daawadomuuqaalka qofka uu jecelyahay ,ama dhagaysto codkiisa.

DHamaan kuwani waa calamadaha jacaylka lagu yaqaan,jacaylka dhabta ah ee raalliga la isaga yahay EE aas aaskiisu wanaagsanaa waakan kor uqaada shucuurtaada dadnimo ee kusiiya kalsooni, qabwayni,qani-nimo maskaxeed, isla markaana kuu muujiya inaad gaadhay guushii ugu waynayd noloshaada, ayna waajib kugu tahay inaad u adeegto kan aad jeceshahay, kan ku jecelna waa la mid.

Haddii aad ka fekerto qof kale in ka badan inta aad naftaada ka fekerto markaa badwayn jacaylbaad dhex dabaalanaysaa ee ogow.

Jacaylka dhabta ahi waa kan ujeedkiisu yahay mustaqbal wanaagsan inta kale way burburaan haddi dhabtu timaado

Jowhar C/samad Qalinle
Boorama

Top


Dawladda Hoose Iyo mashaakilka dhulka

uddo dheerba waxaa ka taagnaa dhulka mashaakil fara badan oo aan la soo koobi karayn oo u badan dhul boob iyo isqabsi bilaa xad ah waxaa had iyo jeerba aad arkaysaa dhul ama jago kaliya oo dad badani isku hasytaan oo nin waliba leeyahay waxaan u haystaa sharci oo waxaa I siiyay Dawladda hoose, waxaa kale oo aad arkaysaa dhul laga qaaday dadkii masaakiinta ahaa ee lahaa oo la leeyahay waa dan guud oo haddana dad kale la siinayo oo shicib ah, haddaba marka mid miskiin ah laga qaado lana siiyo mid kale oo wixii dhibaato ka yimaada halkaas yaa ka masuula?

Marka ay Madaxa isla galaan ama ay is dilaan.

Waxaa kale oo aad arkaysaa mid maalin waliba ku socda Dawladda hoose xafiisyadeeda oo la leeyahay dhulka ayaa sharci lagu siinayaa haddana aan waxba loo dhamaynayn, sidii mashruucii faanoole, waxaa kale oo jira laba jaar ah oo daaradii isku haysta cid kala saaraysaa jirin, iyo qaar dadweynaha ka mid ah oo dagaya dariiqii dadka ka dhaxeeyay, oo aan cidi waxba ka qabanayn intaas ka dib waxaas oo mashaakil iyo dhibaato ah oo aan kor ku soo sheegnay, waxaa masuuliyadeed iska leh oo lagu eedaynayaa Dawladda hoose iyo shaqaalaha sababtoo ah waa hay’adda kaliya ee sharci ahaan dhulka u qaybsan markaas waxaa loo baahan yahay inay si cadaalad iyo garsoor ku dhisan ku shaqayso oo ay iska ilaaliso wixii dadka iska horkeenaya nidaamkana wax u dhimaya.

Maxamuud Maxamed Kaahin, Hargeysa

Top


 Waadiga Ciyaaraha 

Weah Oo Bil Ka Fadhiyi Doonna Ciyaaraha

George Weah oo ah weeraryahan kubadda cagta ah oo u dhashay Laybeeriya ayaa muddo bil ah dibedda ka joogi doona ciyaaraha, kadib markii ay seedi dhaawacantay ciyaar uu u saftay kooxdiisa Al-jazirah.

Weah waa 35 jir waxaa ku jiraa xilli ciyaareedkiisii labaad intuu u safanayay naadigan Al-jazirah, ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta (UAE), waana dhaliyaha ugu horreeya ilaa hadda ee kooxda.

George Weah waa kooxda Al-Jazirah, wuxuu ku dhaawacmay ciyaartiii kooxdiisu ay 3-0ka kaga badisay kooxda Al-Nasar Jimcihii u dambeeyay, isaga oo ku dhaawacmay jaaj xaga dambe laga yimid oo uu u geystay Maxamed Khamiis.

Za’id Al-Xabashi oo ah dhakhtarka u qaabilsan daaweynta xubnaha jidhka ee kooxda Al-jazirah (Physiotherapist) ayaa ugu warramay jariiradada Gulf, in seedi ay si xun u dhaawcantay lugaha George Weah oo uu u baahan yahay in bil la nasiyo, layliyada tabobarkan uu ka qaybgeli karo oo kalieya tabobarada fud-fudud.

Guddiga maamulka ee kooxda Al-Jazira ayaa cabasho u gudbiya xidhiidhka kubadda cagta ee UAE (Isu-taga Imaaraadka Carabta), iyaga oo uga cawday sida uu u dhacay faki ciyaarta dhexdheeda ee uu ku dhaawacmay Weah, waxaanay u sheegeen guddiga kooxda Al-jazira qoraalkii ay hadleen xidhiidhkooda kubadda cagta in loo baahan yahay qaab ciyaareed aan waxyeelo khaldan loogu geysan xiddiga caalamiga ah, waayo bay yidhaahdeen guddiga Al-jazira naadigu wuxuu ku bixiyay lacag badan sidi uu u keeni lahaa xiddiga caalamiga ah oo ka qaybgala ciyaaraha dalkaa si kor loogu qaado tartamada ciyaaraha ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta (UAE).

Top


Musuq-Maasuq Dhinaca Da’da Ah Oo Hadheeyay Tartanka Koobka Dhallinyarada Afrika

Boebie Williams, oo ah tabobaraha kooxda Koonfur Afrika ayaa sheegay in koritaanki ciyaaraha kubadda cagta ee Afrika, gaar ahaan tartanka koobka dhallinyarada Afrika in ay shaashaysay been-abuur da’da ciyaartoyga ka qaybgalaysa oo lagu dhaqmay kooxda uu tabobaro Mr. Williams ee Koonfur Afrika, oo ka qaybgashay is-reebreebka tartanka dhalliinyarada Afrika ayaa ku guul-daraysatay inay ka soo baxdo Group-ka ‘A’, waxaanay heshay dhibic qudh ah, saddexdii ciyaarood ee ay safatay.

Tabobare Williams BBC-da barnaamijkeeda ciyaaraha u warramay ayaa u sheegay in uu la yaabo muuqaalka jiheed ee qaar ka mid ah ciyaartoyga dalalka ka soo qaybgelaya tartanka koobka dhallinyarada ee Afrika, isaga oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi tabobare Williams; "Kuma noolin dunida Afraad Koonfur Afrika inamadani way ka waaweyn yihiin kuwayga, maxay cunaan ciyaartoygani? Waxoogaa baytariyo dheeraada, aysiidh iyo wax kale," erayadaasi ayuu si cadho leh u yidhi Boebie Williams, isagoo ku eedeeyay maamulka tartankaas in loo ogolaaday dalalka Afrika qaarkood in ay uga qaybqaataan ciyaartaas ciyaartoy ka da’ weyn jiilka loo oggol yahay in ay ka ciyaaraan tartanka horyaalnimada ciyaaraha kubadda cagta ee dalalka Afrika, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi tabobaraha kooxda Koonfur Afrika ee ka qaybgashay is-reebreebka dhallinyarada Afrika, "Waan la fajacay markii aan ogaaday in qaar ka mid ah ciyaartoyga loo oggolaaday inay ka qaybgalaan ciyaarah ay da’doodu tahay 24-jir," ayuu yidhi.

Top


Manchester City Oo Ku Rajo Weyn In Ay Soo Geba-Gebayso Heshiiska Fowler

Kooxda Manchester City ayaa ku rajo-weyn in maanta oo Arbaca ah ay soo gebo-gebayso heshiis ay la gelayso Robbie Fowler oo hore kaalinta hujuumka uga ciyaari jiray naadiga Liverpool. Fowler oo xilli-ciyaareedkan uga fadhiyay tartamada ciyaaraha kubadda cagta jug dhaawac ah oo hore u soo gaadhay waxa ciyaartoyga oo da’diisu tahay 27 sannadood looga baahan yahay inuu soo maro baadhitaan caafimaad kahor dhammaystirka uu la gelayo kooxda Manchester City.

Kabtanka kooxda Manchester City Steve Howey ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo ku soo biirista kooxdiisa ee Fowler oo uu sheegay inuu la dhacsan yahay kaalintiisa ciyaareed ee uu Fowler ka muujiyay ciyaarihii uu u ciyaaray kooxda Liverpool, waxaanu yidhi kabtanka Manchester City, isaga oo ka hadlaya arrintaas, "Hadii ay suurtogasho waxaan rumaysanahay inay tahay inay heshiis aad u weyn."

Fowler waa ninka ugu wanaagsan dhinaca dhammaystirka weerarka ee geyigan marka aanu isla helno isaga iyo Nicholas Anelka oo weerarka wada iyo weliba Shaun Goater, waxay naga dhigaysaa unug awood fiican leh.

Top


Oliseh oo u ciyaari doona Bochum

Borussia Dortmun oo ah kooxda Horyaalka Kooxaha Kubadda Cagta heerka Koowaad ee Jarmalka ah, ayaa ogolaatay in Sunday Oliseh oo ah ciyaartoy reer Nayjeeriya ah oo ka ciyaara khadka dhexe uu u wareego dhinaca kooxda VFL Bochum, ilaa sannadka 2004. Heshiiska uu Oliseh kula jiro kooxda Dortmund, wuxuu soo gebo-gaboobayaa sannadka 2005-ka.

Ciyaartoygan reer Nayjeeriya ee 28 jirka ahi, wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda kaydka ah ee kooxda Dortmund oo uu tababare u yahay Matthias Summer. Heshiiskan uu Oliseh ugu wareegayo kooxda Bochum, waxay Dortmund bixinaysaa qayb ka mid ah mushaharkiisa muddo 18 bilood ah, waxaana uu mushaharkiisu yahay ilaa 2 Milyan oo lacagta Yurub ee Euros oo u dhiganta $ 2.1 Milyan oo doollar.

Oliseh, ayaa u sheegay BBC-da in raali ku yahay heshiiskan khuseeya isaga ee kooxda Dortmund iyo Bochum, waxaase uu doonayaa in aan kooxdan dambe ee uu u ciyaari doonnaa aanay ku khasbayn inuu u guuro meel kale, taas oo uu doonayo inuu deganaado isaga iyo xaaskiisu halka ay hadda deggan yihiin.

Sunday Oliseh, wuxuu ka aha kooxda dalkiisa ee Nayjeeriya Kabtan, waxaanu ka ciyaari jiray khadka dhexe ee dambe, isagoo ka qaybqaatay guulo-badan oo taariikhiya oo uu wadankiisu ka soo hooyay Ciyaaraha koobka adduunka iyo Olambigaba.

Top


Ruud Van Nistelrooy oo dhaliilay mushaharka ay qaataan kooxda Manchester United

Ciyaaryahanka Dutch-ka ah ee Ruud Van Nistrelooy, ayaa rumeeyay in aanu ahayn mushaharka kooxda Manchester United ay siiso ciyaartoydeeda mid lagu qanci karo, isagoo sheegay in ciyaarta ay ciyaaraan kooxda Man United ay tahay ta keentay in xidigo ciyaartoy ahi ku biiraan Naadiga u Madaxda ka yahay Sir Alex Ferguson.

Kabtanka kooxda Manchester United, Roy Keane iyo David Beckham, ayaa hela mushaharka ugu badan kooxda Manchester, waxaanay midkiiba uu helaa toddobaadkii 90,000 (sagaashan kun) oo giniga Ingiriiska ee Sterling ah. Sidoo kale, waxaa iyaguna mushahar sare qaata toddobaadkii Van Nistelrooy, Ryan Giggs, Rio Ferdinand iyo Juan Sebastian Veron.

Ruud Van Nistelrooy, isagoo ka hadlaya dakhliga ciyaartoyda kooxda Man United, wuxuu yidhi: "Daacad ahaan, dakhliga naga soo gala kooxda Manchester United, ma aha mid liita marka loo eego heerka Holland (Dutch), laakiin waxay noqonaysaa mid aan lagu qancayn mid la barbardhigo dakhliga ay mushahar ahaan u bixiyaan dalalka kale ee Yurub naadiyadooda ciyaartoyda u safta. Markaad tahay ciyaartoy, waxaad dooranaysaa Naadi iyo Wadan halka aad doonayso in aad u ciyaarto, laakiin waxaan raacsanahay in xadiga mushaharka ee aad ku ciyaaraysaa in ay qaybweyn ka tahay arrintaa."

Van Nistelrooy oo heshiiskiisa ciyaareed uu ku qiimaysan yahay 19 (sagaal iyo toban) milyan oo gini, wuxuu ka biyo-diiday wakhti badan oo uu ay ciyaartoyda United tababar iyo khamaarka safarada Diyaaradaha ku qaataan.

"Oh, runtii may ahayn in aan ka hadlo arrintan, laakiin badankoodu waxay ciyaaraan khamaarka" ayuu ku daray Nistelrooy.

"Haa, waxay ku ciyaaraan Lacag, waxay ku ciyaaraan tareenka dushiisa markaanu tegayno London, hudheelada ama diyaarada, maamuluhuna waa ka raali ilaa inta aanu guulo soo hoynayno" ayuu yidhi Van Nistelroy.

Top