Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 249 January 19, 2003

Hay’adda Candle Light Oo Aqoon-Korodhsi U Geysay Geed-Deeble Arday Ka Tirsan D/Sare Ee Faarax Oomaar

25 Arday Oo Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Gebilay

G/Guurtida Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Muddo Cusub U Kordhiyeen Xukuumadda Rayaale

"Ismaaciil Cumar Geelle Maaha Madaxweynaha Somaliland, Safarkayagii Senegal-Na Wuxuu Furay Albaab Cusub"

Waa Maan Guracan Iyo Garasho Jaan

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Waa Gaf Hadallada kasoo Yeedhay Muuse Biixi

Yaa U Qalma Inuu Noqdo Duqa Magaalo Madaxda Somaliland Ee Hargeysa ?

Saska UDUB iyo Sarbeebta KULMIYE

Dahir Riyaale ha iska casilo xilka madaxweynenimada dalka, hadii uu xasuuqii Berbera ka dhacay uu gacan ka gaystay!

Wararka Dibadda

Xubin ka mid ah Xisbiga Dimuqraadiga oo cambaareeyay Bush

Ciraaq Oo Diidan Tallaabooyinka Baadhayaasha Hubka

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga


Hay’adda Candle Light Oo Aqoon-Korodhsi U Geysay Geed-Deeble Arday Ka Tirsan D/Sare Ee Faarax Oomaar

Harg (Haatuf):- Xubno ka tirsan hay’adda Candle Light iyo arday ka tirsan dugsiga sare ee Faarax Oomaar ayaa shalay booqday seeraha Geed-Deeble, iyaga oo halkaa ay hawl-wadeenada Candle Light iyo shaqaalaha waayo-araga ah ee ilaalinta degaanku ay aqoon-korodhsi xagga degaanka ah ay ku siiyeen in ku dhow labaatan arday oo dhigta fasalada kala duwan ee dugsiga sare ee Faarax Oomaar oo isugu jira hablo iyo inamaba, ardaydu waxay indhahooda ku arkeen noocyo ka mid ah dhirta dabiiciga ah ee uu hodanka ku yahay seerahaasi.

Waxa ardayda hor-socday macallin ka mid ah macallimiinta dugsiga Faarax Oomaar oo la yidhaahdo Xasan Axmed iyo Khadra Cumar Xasan ayaa iyaduna ka socotay dhinaca Candle Light, waxaa kale oo shalay ardaydaasi loo sharaxay nabaad-guurka ay biyuhu keenaan, iyaga oo isla goobtii kaga hawlgalay nooc ka mid ah qaababka fudud ee lagu ilaalin karo ama wax lagaga qaban karo nabaad-guurka uu biyuhu keeno ee farsamada dhagaxa la isa saaro si gudban meelo kala dambeeya (Stone Berries).

Axmed oo ka socday hay’adda Candle Light, ayaa shalay ardayda Faarax Oomaar u sharaxay magaca Geed-deeble oo markaa ay ardaydu hoos-taagnaayeen geedka magacaa la baxay qudhiisii, waxanu Axmed u sheegay in nooc ahaan geedkaasi yahay Daray, Axmed wuxuu kale oo uu ka waramay in seeraha Geed-Deeble uu ahaa xilligii Ingiriiska iyo xilliyadii ka dambaysayba inuu seerahaasi ahaa mid xidhan mar walba oo laga heli jiray dhammaan noocyada geedaha ee ka baxa dalka iyo ugaadh kala duwan.

Khadra Cumar Xasan oo ka mid ah hawl-wadeenada hawlaha degaanka oo shalay halkaa ka hadashay ayaa tidhi, "Qof walba waa inuu isagu uu bilaabaa oo uu jaarkiisa ka bilaabaa haddii ay wacyi-gelin tahay iyo haddii ay tusid tahayba, ka dhaadhicin ayay u baahan tahay ilaalinta degaanku, jaamacado laga barto aqoonta ilaalinta degaanka ayaa inagu fiicnaan lahaa maalinba maalinta ka dambaysa waxaad baranaysaa geed magacii, ciida noocyadeeda ayaad baranaysaa, waxaan aad ugu rajo-weynahay inaad idinkuna baran doontaan qolada lagu soo hiran doono ee la odhan doono waa guruubkii degaanka ee bogga taariikhda geli doona inaad noqotaan ayaan ku rajo-weynahay, dhuxusha ha la yareeyo, gaas inoo doona aan shidanee, inay inantu tidhaa markay gurigooda ku noqoto si loo ilaaliyo degaanka ayaa loo baahan yahay."

Mustafe Muuse X. Yuusuf oo ka mid ahaa ardayda ka hawlgashay degaanka ee dugsiga sare ee Faarax Oomaar oo shalay ka hadlayay hawsha degaanka ayaa sheegay in lixdii bilood ee ay hawshaas ku jireen inay wax badan ka faa’iidaysteen aqoonta dhirta ka baxda degaanka iyo daryeelkoodaba.

Jinow Maxamed Qaalib oo ka mid ah ardayda ayaa iyana sheegtay in qof inuu ilaaliyo daryeelka degaankiisa ay tahay arrin waajib ah, Jinow waxay intaa ku dartay inay baran lahayd cilmiga ilaalinta degaanka haddii ay hesho fursad waxbarasho.

Guud ahaan hawshaa ay soo abaabushay hay’adda Candle Light ee ardayda loogu kordhinayo aqoonta ay u leeyihiin degaankooda iyo ilaalintiisa waxay tahay hawl aad ugu haboon jiilka soo kacaya si ay aqoon ugu lahaadaan dhirta iyo degaankooda. Xubnaha iyagu doortay inay ka qaybgalaan ilaalinta degaanka si mutawacnimo ah ee dugsiga sare ee Faarax Oomaar waxay ahaayeen sidan:

  1. Maxamed Aadan Cali

  2. Ridwaan Axmed Aadan

  3. C/Kariim Iid Cumar

  4. Maxamed Yuusuf Aw Cali

  5. Axmed Maxamed Maxamuud

  6. Mustafe Muuse X. Yuusuf

  7. Jinaw Maxamed Qaalib

  8. Samsam Ibraahim Maxamed

  9. Nimco Yuusuf Aadan

  10. Muuna Maxamed Muuse

  11. Foosiya Maxamed Axmed

  12. Hodan Jaamac Cismaan

  13. Safiya Axmed Ibraahim

  14. Maxamed C/Laahi Maxamed

  15. Ifraax Aadan Cige

  16. C/Wahaab Daahir Khaliif

  17. C/Risaaq Cali C/Laahi

  18. Farxaan Xasan Maxamed

Top


25 Arday Oo Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Gebilay

Gebilay (Haatuf):- Guddoomiyaha degmada Gebilay ayaa shahaadooyin maalintii shalay guddoonsiiyay 25 arday oo ka qalin-jebiyay mac-hadka computer-ka Universal Institute ee magaalada Gebilay. Xafladda shahaadooyinka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Dawladda Hoose ee Gebilay waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan degmada Gebilay maamulka waxbarashada xubno ka socday ururada bulshada iyo waalidiinta wax ka barata mac-hadka waxaana laga soo jeediyay khudbado kala duwan.

Maamulaha mac-hadka Mr. Siciid ayaa ka warramay marxaladihii uu soo maray mac-hadkaasi iyo halka uu maanta marayo isaga oo intaa ku daray in mac-hadka oo la aas-aasay sannadkii 2002 ay ardayda haatan shahaadooyinka la guddoonsiinayaa dhammaysteen kooras 6 bilood ah oo ay ku qaateen mac-hadka isaga oo intaa ku daray inay dhawaan sii kordhin doonaan qaybaha waxbarashada ee mac-hadkaas. Ugu dambayn waxa halkaa ka hadlay maayorka magaalada Gebilay Abiib Xasan Fil-fil oo u mahad-naqay maamulka mac-hadkaasi oo soo qaban-qaabiyay xafladda iyo sida ay ugu hawlan yihiin dhiiri-gelinta waxbarashada si ay ardaydaasi mustaqbal fiican u yeeshaan.

Gebogebadiina waxaa halkaa lagu guddoonsiiyay shahaadooyin ardaydii mac-hadka ka qalin-jebisay.

Top


G/Guurtida Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Muddo Cusub U Kordhiyeen Xukuumadda Rayaale

"Lama Odhan Karo Dalka Nabad-Gelyo Darro Kama Jirto" - Shir-Jaraa’id (Golaha Guurtida)

"Waanu Taageersanahay Go’aanka Guurtida" Faysal Cali Waraabe

"Waanu Diidanahay Muddada Loo Kordhiyay Xukuumadda...Waana Yaab Laakiin In..." Axmed Siilaanyo


Hargeysa (Haatuf): Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay laba bilood iyo 22 maalmood ah ku kordhiyey mudada xilka xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Rayaale, taas oo ay sheegeen inay mudada sharciyadda ee xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenkaa dib u dhigeen ilaa 15-ka bisha May ee foodda inagu soo haysa, iyadoo ay xukuumadda hadda talada haysa mudada sharciyaddu kaga egtahay 23-ka Bisha Feberweri, 2003, waxayna odayaasha golaha guurtidu go’aankooda muddo-kordhinta u cuskadeen qoddobka 83aad ee distoorka Somaliland.

Golaha guurtidu waxay go’aankooda muddo-kordhinta kaga dhawaaqeen fadhi ay ku yeesheen xaruntooda, waxayna go’aankaa ku meel-mariyeen cod gacan-taag, taas oo ay mudanayaashii fadhiga ka soo qayb galay 61 ka mid ahi ogolaadeen muddo-kordhinta, halka ay 8 mudane diideen, isla markaana ay 2 mudane ka aamuseen, laakiin markii codaynta loo kaan-kaansanayey waxa madasha si cadho leh uga baxay 3 mudane.

Intii aan loo codayn go’aanka muddo-kordhinta waxa madashii fadhiga golaha war-bixin iyo talo-soojedin is-xanbaarsan ka jeediyey guddi golaha Guurtida ah oo hore loogu saaray inay kulamo wada-tashi ah la soo yeesheen axsaabta siyaasadda, kuwaas oo kulamo la soo yeeshay axsaabta kala ah: KULMIYE, UCID iyo UDUB iyo sidoo kale HORMOOD, SAHAN iyo ASAD, ka dibna waxay guddigaasi wixii ay soo ururiyeen iyo talo soo jeedintoodii hordhigeen golaha Guurtida, iyadoo ay odayaasha guurtidu sheegeen inay go’aankooda u cuskadeen arimo nabadgelyo daro, waxayna arimaha nabadgelyo darada ah ee ay go’aankooda u cuskadeen ku tilmaameen xukunka degdegga ah ee saaran gobolka Sool iyo xaalado ka jira bariga gobolka Sanaag iyo sidoo kale go’aankii dib-udhigista guddiga doorashooyinka oo ay odayaasha guurtidu ku tilmaameen mid sharci daro ah.

Laakiin golaha guurtidu, iyaga oo ugu horayn ka hadlaya muddo-kordhintii hore ee halka sanno ahayd iyo sababta keliftay waxay yidhaahdeen "Muddo-kordhintii hore waxay ku egtahay 23-ka febarweri, 2003, ujeedada korodhsiimadaa hore loo sameeyeyna waxay ahayd in la qabto doorashooyinka dawladaha hoose, kuwa madaxtooyada iyo kuwa baarlamaanka, laakiin waxa qabsoomay oo keliya kuwa dawladaha hoose, balse asbaabta dib-dhaca doorashaduna waxa uu ka yimi dhinaca ururada, gaar ahaana KULMIYE iyo ASAD oo is-diiwaangeliyey dhamaadkii bishii May, 2002, iyadoo ururku xaq u leeyahay inuu is abaabulo muddo saddex bilood ah marka uu is-diiwaangeliyo ka dib iyo guddiga doorashooyinka oo aan diyaarin qorshayaashii doorashada", waxayna intaa ku dareen "Waxa cadayd inaanay doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo ay ahayd in la qabto 23-ka bisha Jananweri u muuqan mid suurta gal ah."

"Waxa muhimad gaar ah la siiyey xukunka degdegga ah ee la saaray gobolka Sool,"ayey yidhaadeen, iyaga oo sidoo kalena cuskaday go’aankii guddiga doorashada oo ay ku tilmaameen qayral-sharci iyo weliba waxyaalo kale. "Talo soo jeedintii axsaabta labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID waxay iskaga mid ahaayeen dhinaca mudada la kordhinayo, balse saddexda xisbi (UDUB, KULMIYE & UCID) waxay ku soo gunaanadeen inay kalsooni buuxda ku qabaan go’aanka golaha Guurtida, laakiin saddexda urur ee HORMOOD, ASAD iyo SAHAN waxa uu nuxurka soo jeedimahooda ahaa wax ka baxsan distoorka iyo shuruucda dalka, waxayse axsaabtu dhammaantood ka midaysnaayeen in muddo kordhin la sameeyo."

"Markii la tixgeliyey talo soo jeedintii guddiga doorashooyinka, xukuumadda iyo saddexda xisbi siyaasi, isla markaana qiimayn lagu sameeyey asbaabta ay dib ugu dhacday doorashada madaxtooyadu, lana arkay go’aankii baarlamaanka ee xukunka degdegga ah ee gobolka Sool iyo sidoo kale xaalad nabadgelyo daro ee ka soo kordhay bariga gobolka sanaag, markii la yiqiinsaday inaanay mudada dib u dhigista doorashada ee guddiga doorashadu inaanay waafaqsanayn sifo sharci ah iyo distoorka, taasina ay abuuri karayso xaalad nabadgelyo daro iyo jihowareer siyaasadeed ayuu goluhu go’aansaday in mudada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka loo kordhiyo ilaa 15-ka bisha May , 2003."

Guddiga doorashooyinka qaranku waxay sababta dib-dhaca doorashada madaxtooyada ku tilmaameen kharashkii doorashada oo aan diyaar ahayn iyo hawl-wadeenadii doorashada ka shaqayn lahaa oo aan weli la diyaarin iyo waxyaalo la maid ah, laakiin marka la eego qoddobka 83aad, faqradiisa 5aad ee ay golaha guurtidu u cuskadeen go’aankooda muddo-kordhinta waxa uu leeyahay "golaha guurtidu waxay mudada kordhin karaan marka ay doorashadu u qabsoomi waydo nabadgelyo daro awgeed," sidaa darteed shir-gudoonka golaha Guurtida oo xaruntooda ku qabtay shir-jaraa’id oo ay tafaasiil kaga bixinayaan go’aankooda muddo-kordhinta mar la waydiiyey bal sida ay sharciyan isu waafajiyeen qoddobka ay cuskadeen iyo asbaabta aan nabadgelyada darada ahayn ee ay guddiga doorashadu sheegeen inay doorashadu la qabsoomi wayday waxay ku jawaabeen, "Mudada ay guddiga doorashooyinku qabteen waa qayral-distoori. Ta kale ma odhan karo dalka nabadgelyo-xumo kama jirto, waayo qaybo dalka ka mid ah waxa saaran xukun degdeg ah, macnaha xukunka degdegga ahina waxa weeye marka in dalka khataro ku soo fool leeyihiin. Sidoo kale waxaad ogtihiin in degmooyinka bariga sanaag ay isla soo galeen laba ciidan oo maamul kale ka socdaa dhexdooda ku dagaalamayaan, arimahaasina waa kuwo khal-khal gelin kara xasiloonida, sidaa darteed way jirtaa xaaladdii loogu talo galay qoddobka 83aad ee distoorka."

Sidoo kale odayaasha golaha Guurtida waxa la waydiiyey bal waxa uu xukunka degdegga ah ee lagu soo rogay gobolka Sool ka bedelayso xaaladda maadaama aanay xukuumaddu ilaa hadda wax talaabo ah qaadin, isla markaana aanu maamulka dawladda Somaliland wax tiqo ah ku lahayn gobolkaa, waxayna taa kaga jawaabeen "Xukunka degdegga ah waxa lagaga hor-tagaa wixii xasiloonida dalka khal-khal gelinaya, marka ay haboonaatona waa laga qaadayaa."

Sida la ogyahay xukunka degdegga ah ee la saaray gobolka Sool waxa lagu dhawaaqay wax yar ka hor intii aanay dhicin doorashadii dawladaha hoose, laakiin odayaasha Guurtida mar la waydiiyey bal waxa ay ku kala duwan yihiin labada doorasho ee midna loo tix-geliyey xukunka degdegga ah, midna loo tixgeliyey waxay odayaasha guurtidu yidhaahdeen "Mudada doorashada xeerka xukunka degdegga ahi wuu ka horeeyey." Laakiin waxa odayaasha Guurtida mar kale la waydiiyey bal inay wax ka qaateen talooyinkii ay axsaabta siyaasaddu soo jeediyeen oo ahaa kuwa dhinacyo badan leh waxay ku jawaabeen, "Xisbiyada iyo ururada labadaba waa la kulanay, laakiin marka la eego xisbiyada waxay soo jeediyeen fekrado badan, wayna kala aragti duwan yihiin, mid kastaana waxa laga yaabaa inuu siyaasad iyo aragti gaar ah wato, sidaa darteed soo jeedimahoodii wixii saalixa ahaa, isla markaana distoorka waafaqsanaa waanu ka qaadanay. Hase yeeshee ururadu talooyinkii ay soo jeediyeen waxay dhammaantood ahaayeen kuwo sharciyadda dhaafsan, sidaa darteed kamaanu helin wax aanu qaadan karno."

Sidoo kale odayaasha Guurtida waxa la waydiiyey bal hadii ay doorashadu madaxtooyadu ku qabsoomi waydo mudada ay kordhiyeen waxa uga meel yaal ama istaraatijiyadda ay ka qorsheeyeen taa, waxayna ku jawaabeen, "Hadii ay doorashadu suurta geli waydo qoddobka 83aad halkiisii ayuu yaal."

Dhinaca kale laba xisbi ee KULMIYE iyo UCID ayaa wax laga waydiiyey bal sida ay u arkaan go’aanka muddo-kordhinta ee ay golaha guurtidu ku dhawaaqeen, taas oo ay gudoomiyayaasha labadaa xisbi Axmed-Siilaanyo iyo Faysal Cali-Waraabe jawaabo kala duwan ka bixiyeen arintaa, laakiin gudoomiyaha UCID, Faysal Cali-Waraabe oo ugu horayn ka jawaabaya sida uu arintaa u arko ayaa yidhi, "Waxa la yidhi oodo dhacameed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraa, sidaa darteed hadii ay guurtidu kordhisay sharciyaddii dawladda hawshaasi waa hawl inaga dhamaatay, waanuna ku taageersanahay, maadaama ay guurti ahaan iyagu xaq u leeyihiin go’aankaa, laakiin hadda waxaynu u dagaal tegaynaa sidii loo heli lahaa doorasho xaq ah oo xalaal ah, sidii loo kala saari lahaa UDUB iyo dawladda si aanay u dhicin ku shubashooyinkii berigii dhowayd dhacay, taana berito ayaanu ka soo saaraynaa war-saxaafadeed ku saabsan go’aanka ay guurtidu soo saartay, laakiin mabda’ ahaan waanu taageersanahay."

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isna ka hadlay go’aanka muddo-kordhinta ee golaha Guurtida, wuxuuna sheegay inaanay waxba ka qabin dib u dhigista doorashada, laakiin aanay ismacayn mudada loo kordhiyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale, isla markaana Axmed-Siilaanyo waxa uu daadeefeeyey qoddobka ay sharciyan golaha guurtidu u cuskadeen muddo-kordhintooda, taas oo uu isaga tilmaamay inaanay dalka ka jirin sabab nabadgelyo daro oo la cuskadaa.

"Mudada dib loo dhigay doorashada waxba kama qabno, waayo awelba waa la iska sii ogaa inaanay mudadaa ku qabsoomayn, laakiin waxaanu diidanahay mudada loo kordhiyey madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka, waayo Guurtida waanu u cadaynay meesha aanu arintaa ka taaganahay, waayo dawladdu waa xisbi aan dimoqraadiyad iyo doorasho xukunka ku soo gelin, sidaa darteedna in hadii ay iyaga oo xukunka haya doorasho la galo ay cadaalad daro imanayso, taasina waxay ku cadaatay doorashadii dawladaha hoose, arintaasna mawqif ayaanu iska taagi doonaa". Laakiin Axmed-Siilaanyo, isaga oo jawaab ka bixinayaa xaaladaha nabadgelyo daro ee ay go’aankooda cuskiyeen wuxuu yidhi, "Horta waxa yaabka yaabkiis ah, iyadoo waxa keliya ee ay Somaliland ku faanto nabadgelyo, dunida oo dhamina ay taa ogtahay, isla markaana ay doorashadii dawladaha hoose u dhacday si nabadgelyo ah in maanta dawladda iyo guurtidu ay cusskadaan in dalka nabadgelyo daro ayaa ka jirta, laakiin dalka nabadgelyo daro kama jirto ee nabadgelyo buuxda ayaa ka jirta. Ta kale xukun degdeg ah waxa lagu soo rogaa meel aad xukunto."

Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed-Siilaanyo waxa kale oo uu si weyn u dhaliilay socdaalkii uu Madaxweyne Rayaale ku tegay gobolka Sool oo uu ku tilmaamay inuu ahaa socdaal la xidhiidha ujeeddo siyaasadeed, isla markaana uu Madaxweyne Rayaale guul-daro ka soo hooyey, iyadoo uu Axmed-Siilaanyo tilmaamay inuu Madaxweyne Rayaale khasaareeyey hawshii wax ku oolka ahayd ee ay gobolka Sool ka soo qabteen weftigii Madaxa-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta isugu jiray ee mudada saddexda bilood ah hawsha nabadaynta ah ku joogay halkaa. "Waxaan ogaaday in markii la damcay in laga wada hadlo arimihii siyaasadda inuu madaxweynuhu amar ku siiyey salaadiintii, siyaasiyiintii iyo odayaashii halkaa joogay inay ka yimaadaan oo uu yidhi wixii siyaasad ay aniga ii daaya, ka dib markii uu ogaaday inaanay dadka halkaa jooga isaga iyo ururkiisa siyaasiyan raacsanayn,"ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. 

Sidoo kale wuxuu Axmed-Siilaanyo si weyn u dhaliilay socdaalkii uu Madaxweyne Rayaale dhowaan ku tegay qaar ka mid ah dalalka galbeedku Afrika, isaga oo safarkaa ku tilmaamay mid aan shaaca laga qaadin nuxurkiisa, sidaa darteedna ay calaamatus’aal saaran tahay ujeedooyinkiisa.

Ururada SAHAN, HORMOOD ioy ASAD ayaan iyagu weli wax jawaab ah ka bixin go’aanka muddo-kordhinta ee golaha Guurtida, sidoo kale xisbiyada KULMIYE iyo UCID laftoodu waxay sheegeen inay mawqifyo kama dambays ah ka soo saarayaan go’aankaa marka ay ka baaraan-degaan.

Top


"Ismaaciil Cumar Geelle Maaha Madaxweynaha Somaliland, Safarkayagii Senegal-Na Wuxuu Furay Albaab Cusub"

Shir-Jaraa’id - Wasiirka Arrimaha Dibedda (Maxamed Siciid Gees)

Hargeysa (Haatuf) Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed Siciid Gees oo ka mid ahaa weftigii dalka Senegal u raacay madaxweynaha ayaa shalay shirjaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga waramay socdaalkoodii iyadoo ay saxaafaduna su’aalo dhinacyo badan leh waydiisay wasiirka.

Wasiirku wuxuu si kooban uga waramay halka uu dalka Senegal kaga yaal qaaradda Afrika, wuxuuna yidhi, "sida la socotaan dalka Senegal wuxu ku yaalaa galbeedka Afrika, cidhifka badweynta Atlantika ee dhinaca America u sii jeeda, diyaaradu markaad toos uga tagto Addis Ababa waxay u sii socotaa 12 saacadood," sidaa waxaa yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Mudane Maxamed Siciid Gees, wuxuu intaa ku daray in si fiican loo soo dhaweeyay, isla markaana ay madaxweynaha kulmeen saddex jeer iyo qaar ka mida wasiirad dalkaas oo ay ka wada hadleen qadiyada Somaliland, wasiirku wuxuu sheegay inaanay Somaliland wax xidhiidh ah lala lahayn galbeedka Afrika, balse aynu meelahan dhaw ku warwareegi, isagoo wasiirku sheegay inay ka balan qaadeen inay wax kala qabanayaan qaddiyada Somaliland gudaha Afrika iyo dibadeedaba.

Isagoo ka hadlaya labadii dal ee kale wuxuu yidhi, "muhiimadayadu waxay ahayd Senegal laakiin Maali iyo Itoobiya ay la kulmeen wasiiradooda arrimaha dibada," isla markaana muddadii ay Addis Ababa joogeen ay la kulmeen safaarado badan oo ay ka mid yihiin kuwa dalalka Ingiriiska, Maraykanka, Jarmalka, iyo qaar kale kuwaasoo dhamaantood kala hadleen qaddiyada Somaliland iyadoo uu wasiirku sheegay inay la kulmeen sidoo kale u qabysanaha safaaradda Musambiik oo ay u doorteen gudoomiyaha Midowga Afrika oo dalkaasi shirweynihiisa lagu qabanayo bisha July, waxaananu sii gashanay arrintayada ayuu yidhi mudane Gees.

"Waxa jira wadamo haday ku soo dhaweeyaan aan waxba kugu kordhinayn inay adiga dhibaato kuu gaystaan mooyaane, haddaad u tagtid sida Ereteriya, Liibiya, ama Burundi, waxay kugu soo kordhinayaan ma jiraan, iyagii baaba dunida ka takooran oo liita, laakiin Senegal waa dawlad xasaasi ah waxay ahayd halkii laga xukumi jiray wadamada af Faransiiska ku hadla, waxaana ku yaala baanka dhexe ee ay leeyihiin sideed dal oo lacagta faranka Isticmaala," sidaa waxa yidhi mudane Gees oo ka jawaabayay su’aal ahayd ahmiyada uu leeyahay safarkoodu maadaama ay jiraan dawlado ka sokeeya Senegal oo cilaaqaad fiicani inaga dhexeeyay.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in madaxweynaha Senegal Mudane Cabdalle Wade uu yahay nin caana oo mudda dheer ahaa mucaarid ilaa uu talada dalkaasi gacanta ku qabtay waana nin ay dawladaha dimuqraadiga ahi ay aad u ixtiraamaan, dawladiisana ay ku jiraan sagaal wasiir oo dumar ahi sidoo kale baarlamaanka ay ku jiraan 30 haween ah, waxayna ahayd Senegal wadamadii uu David Shinn (Safiirkii hore ee Maraykanka Addis Ababa) inagula taliyay inay arrinteena Somaliland wax ka qabaan karaan.

Mar wasiirka la waydiiyay maadaama Senegal tahay dawladaha afka Faransiiska ku hadla inay taasi meesha ka saarayso dariiqeenii hore raacsanaa Ingiriiska iyo Maraykanka waxa uu ku jawaabay, "Senegal waa dal dhisan Faransiis qudhana kuma hadlaan, ee luqada Ingiriiskana way ku hadlaan waana dalka uu Maraykanku aad ugu kalsoonyahay. Ma aha aayad qur’aan ah inaad agtaagnaatid Itoobiya, Yugaandha, iyo intan waana qadiyad Afrika ah." 

Mudane Gees mar la waydiiyay inuu safarkooda Senegal ka dambeeyay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele inta uu su’aashaa ku qoslay ayuu yidhi "Ismaaciil Cumar Geele Ma Madaxweynaha Somaliland baa mise waa wasiirka arrimaha dibada. Ninkaasi waa madaxweyne wadan, oo waxba ka odhan maayo, laakiin anaga noomay qalqaalin, waxaaba la isku haystaa oo la isweydiinayay siday ku heleen markaa taasi waa sir aanan idiin sheegayn."

Wasiirka oo la weydiiyay inay jiraan isbedel dhinaca siyaasada Somaliland iyo Itoobiya maadaama aanay la kulmin masuuliyiinta sar sare sidii hore u dhici jirtay waxa uu sheegay inay Addis Ababa gaadheen makhribkii ayna doonayeen inay raacaan diyaarad duulimaadkeedu yahay Jarmalka balse ay diiday, iyadoo sabab uga dhigtay fiise la’aan, laakiin uu wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya la hadlay safaaradii oo nala furay 10:00 habeenimo, "Taasi waxay ku tusaysaa inuu cilaaqaadka Itoobiya inaga dhexeeyay uu sidii yahay, laakiin maxaa hebel idiin arki waayay anagu wax shaqo oo aanu ku leenahay ma jirto," ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd inay arrinta xadka Itoobiya iyo Somaliland kala hadleen masuuliyiinta Itoobiya waxa uu sheegay inay Itoobiya xaq u leedahay inay xadkooda xidhaan, si ay iskaga ilaaliyaan kootarabaanka, laakiin aanu jirin xad xidhani isagoo intaa ku daray inay ka codsadeen masuuliyiinta Itoobiya in boqol iyo labaatan gaadhi oo dadka reer Somaliland leeyihiin in la soo daayo taasoo ay masuuliyiinta Itoobiya ka balan qaadeen inay siidaynayaan.

Wasiirka oo la waydiiyay waxyaabihii ay kala hadleen diblomaasiyiinta ay kula kulmeen Addis Ababa wuxu sheegay inay arrimo badan kala hadleen sida qadiyada Somaliland si gaar ahna ay safaaradda Sucuudiga ugala hadleen arrinta xayiraada xoolaha, iyadoo u safiirka sucuudigu ku yidhi waraaq soo qorta aan idiinku gudbiyo dawladda sucuudiga safaaradda Yemena waxa uu wasiirku sheegay inay kala hadleen doonyaha iyo xoolaha ay soomaalida ka dhacaan, taasoo uu safiirku ka balan qaaday inay wax ka qabanayaan.

Top


Waa Maan Guracan Iyo Garasho Jaan

Mudane Ka Tirsan Guurtida Somaliland

Harg (Haatuf):- Caydiid Cabdi Xaydh oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa na soo gaadhsiiyay qoraal uu ku diidan yahay go’aanka ka soo baxay G/Guurtida ee ay muddada ugu kordhiyeen xukuumadda madaxweyne Daahir Rayaale. Isaga oo go’aankaa ku tilmaamay mid aan si buuxda looga wada tashan, isla markaana aan ku habboonayn marxaladdan haatan lagu jiro, ayna ku deg-degeen shirguddoonka Guurtidu. Qoraalka uu na soo gaadhsiiyay Mudan Caydiid isaga oo dhammays-tiran waxa uu u qornaa sidan:

"Maalintii Axadda ee 12/01/2003, ayaa golaha Guurtiga shir loogu yeedhay, waxaana mawduucu ahaa xaaladda taagan maanta iyo doorashooyinka, waxaa nala weydiiyay in la saaro guddi la shirta oo waraysata ururada u soo gudbay Axsaabta iyo kuwii kaleba, kadib aniga iyo xubno badan oo kale ayaa arrintaa diiday, kuna adkaystay in Axsaabta soo baxday iyo ururadii kaleba la horkeeno gole-weynaha, waxaana cod nalagaga batay in guddi la saaro.

Kadib guddigii la saaray wuxuu waraystay Axsaabtii soo baxday iyo ururadii kaleba, waxaana ay Axsaabta iyo ururaduba soo jeediyeen talooyin iyo tabashooyin badan. Haddaba shalay oo taariikhdu ahayd 18/01/2003, ayaa haddana shir laysugu kaayo yeedhay, waxaana shir-guddoonku noo sheegay, in uu noo soo bandhigayo wixii tabashooyin ahaa ama talooyin ee ay isla gaadheen ama ka heleen Axsaabtii iyo ururadii guddi la shiray, isla markaana wixii aan ka yeelayno uga gudubno.

Nasiib-darro, waxaa markiiba naloo soo qaddimay korodhsiimo madaxweynaha iyo ku xigeenka ilaa 15/05/2003 ninkiii raacsanow gacanta taag kii diidanowna gacanta taag, waxaana diday siddeed xubnood oo aan ku jiro, saddex xubnoodna shaamareer bay aamuseen oo afka gacanta saareen, waxaana subaxaa aan sugaynay in laga doodo wixii doodo ahaa ee dhexmaray labadii dhinac ee kulmay oo nala soo hordhigo minitiskii, si loo soosaaro wixii ay xaq u leeyihiin iyo wixii aanay xaq u lahayn, isla markaana meel cad lagu tiiriyo wixii ay xaq u leeyihiin, dooda Axsaabtana waxa ka mid ahaa: in loo sinaado hantida qaranka, gaadiidka dawladda, idaacadda, iyo awooda dawladeed.

Guurtida waxaa waajib ku ahayd in muddada doorashadu socoto ay arrimahaas meel cad ku tiiriyaan, si shakigu u baxo, oo doorasho xalaal ihi u dhacdo. Haddaba, arimahaasi weli way taagan yihiin, xalna way u baahan yihiin, waan arrin dareen siyaasadeed leh, oo dhib keeni kara.

Ninkii gabyay wuxuu yidhi, rag caddaalad waayaa sidii Cawsha kalaa yaac, waana garan karnaa caddaalad xumo waxay ina baday iyo taariikhdii Siyaad Barre, waxaana ay ku habboonayd in aan dib loogu noqon, dadbaana yidhaahda dadbaa dhib wada iyaga oo ah kuwa iyagu dhibta wada.

Maah-maah baa tidhaahda ‘Indho gar-darani hadday ooyaan, kuwo gar lehna maxaad mooday,’ kuwaas waxaan leeyahay dib u jaleeca maqaalka Raaqiya Oomaar (African Rights) ee ku soo baxay wargeyska Somaliland Times, cadadkiisa ama issue No. 52, vol.2 ee 18/1/2003."

Caydiid Cabdi Xaydh
(Mudane Golaha Guurtida JSL ah)

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Cusbitaalka magaalo-madaxda JSL oo ka soo raynaya

Cusbitaalka guud ee magaalo-madaxda JSL, ahna bilicda dalka iyo halbowlaha umadda ayaa aad iyo aad uga soo raynaya marka loo eego wax-qabadkiisa buuxa ee uu maanta marayo, marka loo eego waqtiyadii ka horreeyay ee la soo dhaafay. Waxa iyaguna wax-qabad buuxa ka gaystay shaqaalaha hawl-wadeenada ah ee ka hawlgala, kuwaas oo u shaqeeya ummadooda tabaalaysan ee uu xanuunku la soo dersay, uguna shaqeeya si hawl-karnimo, daacadnimo iyo fir-fircooni ah.

Kuwaas oo markasta oo la eego u heegan ah dadkooda tabaalaysan, kuwaas oo aroortii, galabtii iyo habeenkiiba heegan u ah.

Waxa iyaguna qayb laxaad leh ka qaatay maamulka shaqaalaha iyo agaasimka cusbitaalka, kuwaas oo muujiyay hawl-qabad buuxa.

Haddaba waxa iyagu gabay hawshoodii dhakhaatiirta ka hawl-gasha oo iyagu lahayn wax naxariis ah oo ay ugu naxariistaan dadkooda buka ee ay mas’uulka ka yihiin, kuwaas oo aan ka soo xaadirin cusbitaalka iyo laamaha ay ku qoran yihiin ee ay jiifaan dadkooda tabaalaysan ee xanuunku la soo dersay. Waxa ay yimaadaan mar-mar toddobaadkiiba, hadday u badato laba cisho oo hadday yimaadaan in ka yar rubuc saace ayay joogaan. Ma garan dhakhaatiirta ka hawl-gasha habeenkii marka ay tahay heegankii oo ugu soo hagaagi maysid dhakhtar heegan ah.

Waxa dhacda in mar walba saacadaha dambe la keeno dad xaaladoodu aad u liidato oo ay ku qasabto in uu haddii ay garanayaan dadka wada buka in lagu doonto aqaladooda oo marka aad u tagto yidhaahda waxa aad ku tidhaahdaan ma joogo oo safar ayuu ku maqan yahay ama weli soomuu hoyan, waxa kale oo dhacda in uu yidhaahdo masoo kici karo ee Dr. hebel u taga, inta la daydayayo ama kolba mid la doon-doonayo in uu qofkiiba naftu ka baxdo, hadduu soo raacan si niyada uma soo raaco, isaga oo hunguraynaya lacag adag in la siiyo.

Waxa ay ahmiyadda saaraan meelaha barayfadada ah ee ay ku ganacsadaan in ay ku gurtaan laacag adag, iyaga oo ka qaadaya dadka buka. Haddaba dhakhtarow waxa kuu dambaynaysa aakhiro su’aal way dambaysaa haddaydaan beddelin nidaamka xun ee aad wadaan. Ilaahay koreeye wuxuu yidhi; "Isku naxariista haddaad isku naxariisataan ana waan idiin naxariisan."

Muxumed Axmed Cali
Hargeysa

Top


Waa Gaf Hadallada kasoo Yeedhay Muuse Biixi

Hadallada dhowaan kasoo yeedhay Muusa Biixi ee lagu faafiyey bogga Internet-ka ee xisbiga Kulmiye waa kuwo gaf iyo meel ka dhac ah, waxna u dhimaya garaadka qof kasta oo reer Somaliland ah. In madaxweynihii u horreeyey ee Somaliland si dastuuri ah xukunka u qabta lagu tilmaamo in uu yahay mid la dambi ah dhiigyacabkii Moorgan waa hadal aan la qaadan karin.

Waxa khaasatan arrin aad looga xumaado ah in warbixin QM oo aan jirin la yidhaahdo caddeynta dadkii uu laayey ayaa ku taalla. Dadka reer Somaliland uma baahna in ay warbixin qarsoodi ah oo QM qortay ka akhriyaan ciddii dambi ka gashay. Meel walba wixii ka dhacay dadkii goob joogga ka ahaa ayaa nool oo lasoo taagan wixii ay arkeen. Kolkaa in iyaga la rumeysan waayo oo warbixino qarsoodi ah dadka TV-ga looga sheegaa waxay muujinayaan uun in dambi iyo ceeb aanu lahayn loo raadinayo Madaxweyne Riyaale.

Wareysiga waxaa ku jira warbixintii Africa Watch ee "Government at war with its own people" oo la sheegay in ay boggeeda 151 ku qoran yihiin dadkii la laayey. Labaatan jeer ayaan warbixinta akhriyey, meelna haba yaraatee kagama taallo in uu Daahir Riyaale ka masuul ahaa ama wax ka ogaa dadkii lagu xasuuqay Berbera iyo magaalooyinka kale ee dalka toona.

Haddii Muuse iyo dadka fikradda la qabaa ay doonayaan in dadka ay taageero iyo cod kaga helaan waxyaabaha noocaas ah, waxaan leeyahay waa qaldan tihiin oo Daahir Riyaale waxba umaydaan dhimin ee Somaliland oo dhan ayaad wax u dhinteen. Cidda keliya ee maanta ku farxaysa hadalkaasi ee taageersani waa Moorgan iyo cadowga kale ee Somaliland oo durba meel kasta ka riday wareysigii sida quruxda badan loogu bandhigay bogga Kulmiye (www.kulmiye.com). Waan kala hanweynaa xisbiga Kulmiye in uu halkaasi cod ka doonto!

Dr Ismaaciil Ibrahim Axmed
Btecsomaliland@aol.com
London, UK

Top


Yaa U Qalma Inuu Noqdo Duqa Magaalo Madaxda Somaliland Ee Hargeysa ?

Tariikhda HARGEISA: Magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa markaynu dib ugu yara noqono taariikhdeeda ayaa tan iyo markii aynu xornimada ka qaadanay dowladii Ingriiska (26 june, 1960) ila maanta oo aynu ku jirno bishan January 2003, ay kasoo wareegtay 41 sanadood iyo lix bilood, taaso ah muddo aad u dheer. taariikhdaas ay Magaalada Hargeysa soo martayna waxaynu u kala qaybin karnaa saddexdan qaybood oo kala ah: 

1960 - 1969 xiligaas waxa uu ahaa intii u dhaxaysay helitaankii Xornimada iyo dawladaihii rayidka ahaa oo noqday qaar itaal daran oo aan waxba ka qabanin dhismaha iyo horumarinta Caasimida Hargeysa.

1969 -1990, Sanadahaasi waxay ahaayeen xiligii uu dalka ka talinayay Kacaankii Galbaday ee Siyaad Barre waxaana ay Magaalada Hargeysa la kulantay burbur iyo ayaan darradii ugu weynayd, kuwii Hargeysa gacanta ku hayayna waxay xiligaasi ahaayeen qaar ka xun oo aan ogolayn in Hargeysa ay horumarto. Dadkaas oo intooda badan aanay u dhalan HARGEYSA lagana keeni jiray koonfur Somaliya. Kuwaaso, aqoonta cilmigu ku yartahay. Qaarkoodna iskuulo aanay soo marin, laguna keeni jiray eexasho, garab iyo musuqmaasuq. Farrinta la soo farana ay ahayd lacag ka soo qaad dadka reer HARGEYSA, adiguna lacag ka samayso, waxaana aakhirkii Hargeysa ay la kulantay nasiib darradii ugu weynayd iyo burburkii naxdinta lahaa ee Maamulkii Haligmay ee Siyaad Barre uu ku baabiiyay Hargeysa sanadkii 1988kii. 

1990- 2002 Waxaa HARGEYSA soo xukumayey dad kala duwan oo aad u tira badan. Dad kasoo oon marnaba si cadaalad ah loo soo dooran ama dadweynaha reer HARGEYSA aanay iyagu iska soo dhex saarin si ay u xukumaan. 

Nasiib wanaag markii ugu horaysay aya si cadaalad iyo demoqoraadiyad ah losoo doortay 25 xubnood oo lix xisbi oo ka la duwan ka soo kala baxay. Horana aan u dhicin mudada intaa leeg.

Hargeisa oo ah muraayada Somaliland, bogcad aad u qurux badan ku taal ayaa waxaa ay soo martay dhibaato iyo saxariir aad u fara badan. Dad aan u dhalan oo si cadaawad leh u soo xukumay, dadweynaheedana inta ay midiyo isugu dhiibay iska wada horkeenay, hantideediina lunsaday. 

Waxaa kale oo soo xukumay qaar u dhashay oo jeebadaha buuxso mooyee aan wax kale u muuqan.Waxaa soo xukumay qaar aan aqoonba u lahayn sida maagaalooyinka loo dhiso. Waxaa ku soo dhacay nasiib darro aan la soo koobi karayn, dagaalo is dabajoog ah iyo burbur fara badan.

Wadooyinka Magaaladu waa wada godad iyo booraan, qaar dhagxaan baan la mari karayn, qaarkood ciid baa tuulantay, marka roobku yimaado biyaha iyo qashinka ayaa meel walba fadhiista. Wadooyinkuna uma kala soocna dadka iyo baabuurta taasina waxay halis ku haysaa dadweynaha reer Hargeysa oo maalin walba ku dhaawacma ama ku dhinta shilalka baabuurta, Gudaafada iyo qashinka ayaa meelo badan daadsan taasina waxay dhibaato ku keenaysaa caafimaadka iyo iyo fayo dhowrka bulshada, Jirdiinooyin iyo goobo lagu nasto looma samayn jidadka Caasimada Hargeysa, Carruuruhu meelo ay ku ciyaaraan malaha oo magaalada ilaa imika lagama samayn Hargeysa, waxaa taas sii dheer iyada oo waddooyinka hareeraheeda la dhistay oo qof waliba uu xalaalaystay dhulkii wadada ku dhawaa. 

Dadweynaha reer Somaliland ee ku nool Caasimada Hargeysa waxaa haystay dhibaato dhul iyo muran balaadhan oo dhulka la isku haysto, mudadaas dheer 42ka Sanadood ahaydna Hargeysa muu soo Marin Maayar Xaakim ah oo kala saara dadkan dhulka isku wada haysta si Cadaalad ahna u kala saara dadkan is dhulka isku wada haysta ee mid walba la furanayo hantidiisii oo laaluush lagu dhixir furay. 

Hadaba maanta oo dadweynaha reer Somaliland ay doorteen golayaashii deegaanka si xor ahna ay maanta xubnahaas la soo doortay ay u maamuli doonaan magaalooyinka Somaliland ayaa waxaa loo baahan yahay in Maayarka Caasimadu uu noqdo mid yeesha sifooyinkan: 

Nin mutacalin ah: 

Nin aqoon u leh sida magaalooyinka loo dhiso (Town Planning - Civil Architecture/engineering). 

Nin aqoon u leh sida wadooyinka loo sameeyo. 

Nin aqoon u leh sida biyaha dhulka loo hoos mariyo (sewage systems).

Nin aqoon u leh dhismayaasha cusub ee laga isticmaalo Europe/USA/Canada si Caasimada Hargeysa loogu habeeyo inay higsato caasimadaha aduunka ee kale.

Nin aan gaajo eryaynin oo aan doonayn inuu hantida ummada jeebabka ku gurto. 
Nin hawl kar ah. 

Nin Illahay ka cabsooda.

Nin aan balwad lahayn oo aan ku tuman hantida ummada. 

Nin garanaya xilka uu hayo oo ummada reer Hargeysa ugu shaqeeya si daacad ah.

Sifahaas ayaa lagama maarmaan u ah inuu yeesho ninka Maayarka u noqonaya caasimada Hargeysa oo u baahan in laga saaro xaalada dayacan ee ay maanta ku jirto.

Xubnaha cusub ee 25 ka ah ee loo soo doortay inay maamulka Hargeysa hoggaamiyaana waxaa dadweynaha reer Somaliland guud ahaan iyo dadweynaha reer Hargeysa Gaar ahaan ay ka sugayaan inay si daacad ah oo ka madhan Qabiil, Xisbi ama dano gaar ah ay usoo xulaan Maayarka aynu ku aamini karno inuu Caasimadeena hoggaamiyo. 

Somaliland Guul.

MAXAMUUD CADAGUDE
Holland

Top


Saska UDUB iyo Sarbeebta KULMIYE

Waxaan jeclahay inaan marka ugu horaysa u mahad naqo dhamaan saxaafada xorta ah ee ii suurto gelisay inaan kusoo bandhigo aragtidayda shaqsiyeed. Marka xiga waxaan doonayaa inaan aragtidayda shaqsiyeed ka dhiibto hadalka siyaasadeed ee beryahaas u dhexeeyey labada siyaasi ee u dhashay somaliland daahir Riyaale iyo Muuse biixi Cabdi iyo weliba waxyaabihii ay ka kala yidhaahdeen labada xisbi ee ay ka kala tirsan yihiin KULMIYE iyo UDUB.

Sideedaba sida aduunka ka dhacda haddii doorasho wadan gelayo, ayna jiraan musharixiin faro badan oo u taagan doorashadaas iyada ahi, waxaa lagu arkaa fagaarayaasha siyaasada hadalo aad la isugu cambaaraynaayo mid walba oo siyaasiyiintaas ka mid ahina uu kan kale xumaantiisa iyo halka uu u jilicsan yahay wax ka sheegayo, waxaanan marnaba suurto gal noqon in nin urur taageersan oo siyaasi ahi urur kale siyaasadiisa iyo shaqsiyaadka u sharaxan midna uu u soo jeediyo amaan ama uu sheegoba halka uu ku fiican yahay taasna waxaynu la wadaagnaa dhamaan aduunka ku dhaqma dimuqraadiga ama xisbiyada badan waxa taas kaliifana qof kasta oo caqli lihi waa garan karaa taas oo ah in mid waliba ka kale dadka codka laga doonayo lagaga soo jiito.

Si kastaba ha ahaatee waxaan aad iyo aad ula yaabay qof kastoo maskax ilaahay siiyeyna garan karaa hadalada aan loo meel deyin ee kasoo yeedha Xoghayaha Abaabulka iyo Kicinta ee ururka UDUB (Ismail Mire Maxamed), kaas oo hadalkii Muuse Biixi ku duray Madaxweynaha qaranka Somaliland u turjumay meel aan loo fadhiyin kuna sheegay Qabiil baa loo jeedaa iyo waxaan looba fadhiyin, waxaanse jecelahay inaan Ismail Suaashan u soo mariyo saxaafada xorta ah, Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin Ma qabiil ayuu xukumaa mise Qaran dhan oo Somaliland ah?

Waxaan kuu soo jeedinayaa Ismail mirow (waxa la yidhi nin baa beri magaalada berbera ka wacdiyey masaajid dad isagoo kala hadlaaya xumaanta SINADA, xiligaas oo dadku aad dhaqanka u haystay, oday dadkii dhegeysanaayey ka mid ah ayaa weydiiyey wadaadkii Adeer waa maxay SINADU?, markuu wadaadkii xoogaa uga sheegay waxay tahay ninkii odayga ahaa, ayuu u adkaysan waayey odaygii, markaasuu ku yidhi wadaadkii waar caruurta wacdi layne waxaa ha naga maqashiin), markaa waxaan ku leeyahay waxaa lagu jiraa tartan axsaab faro badan urur walbana cid kasta oo Somaliland degtaa way ku jirtaa, wax qabiil sheegtaana ma jiraan Muuse Biixina Qabiil muu soo qaadin waxna kama sheegine cida uu wax ka sheegay waa Madaxweynaha wadanka oo hadalo hore shaqsiyan u dhexeeyeen hadana doorasho ka dhaxayso eeadigu ISMAILOW caruurta waxaa hanaga barin. 

Tan kale Haddii madaxweynaha ay ku cadaato ama sida qof kastoo wax akhriyey ku arkay ku qoran buuga ay qortay AFRICAN WATCH, sheegideedu ma dembibaa, miyaadan la socon wadamada aduunka in madaxweynayaal ka taliya iyagoo kursiga ku fadhiya lagu soo saaro dembiyo dagaal oo ay galeen , xasuuq ama lunsasho hanti qaran mar kasta oo maxkamadi kusoo oogtana uu sidaa ku waayo xilkii uu wadanka u hayey laguna abaal mariyo waxii ku waajib ah bedelkeeda, dib u raaca taariikhda aduunka idinku xeeran sida, Suhaarto-indoniisiya, bahutto-Pakistan, yuguslaafiya, Maxaase UDUB uga qaylinayaan mar hadaanay waxba ka odhan hadalkii madaxweynaha qaranku kaga eedeeyey Muuse Biixi khayriyada isagoo weliba goobtaas u yimi inuu danta dalka kala hadlo dadkiisa una adeegsaday inuu wax kaga sheego shaqsi ka mid ah urur kale shaqsiyadiisa, mase ka hadlay KULMIYE xiligaas isaga ah wax ku saabsan hadalkaas madaxweynaha waxaan leeyahay MAYA, sidaas si la mid ah maantana may ahayn in UDUB ka hadlo wax laba shaqsi u dhexeeya, haddii madaxweynuhu arintaas laga sheegay dacwad ka qabona waxuu u gudbisan karaa maxkamadaha wadanka ka jira.

Hadaba haddii uu Ismail Mire ka gubanayo hadal laga sheegay Madaxweynaha wadanka una macnaynayo Qabiil baa wax la yidhi iyo Tolaay baa KULMIYE yidhi, maxaynu iyadana ku macnaynaa Hadalkii ISMAIL MIRE ka lahaa markii uu dadka ururkiisa taageersan kala hadlaayey xaafada 26 juun ee uu ku lahaa dadkiisa AXMED SIILAANYO, ma geyo aqalka daahyada weyn ee aanu sida wanaagsan u sharaxnay? Maxaynuse ku macnaynaa markuu taageerayaashiisa ISMAIL MIRE kala hadlaayey khayriyada Hargeysa ee uu lahaa AXMED SIILAANYO isagaa sababteeda lahaa diyaaradihii duqaynaayey dadkii xiligii siyaad bare, intaas oo hadalse ururka UDUB wax xaal marin ah iyo soo qaad toona maka bixiyeen, waxaan leeyahay ururka UDUB yaanu noqon hasha geela cunta ee cabaada.

Ururka KULMIYE dhamaan hadaladaas kor ku xusan ee iyaga loola jeeday waxay u arkayeen hadal nin doorasho doonayaa yidhi waxayna u daayeen dadka Somaliland inay iyagu dhadhankay leedahayba u qaataan. 

Waxaan kusoo koobayaa hadalkayga mar haddii doorasho lagu jiro nin walba waa la sheegayaa waxuu dhimay ee dalkan u gaystay, sidaad la wada socotaana wadanka maraykan xiligii doorashada lagu jirey waxaa madaxweyne (BUSH), xisbigii kasoo horjeeday soo qaadeen waxyaabo aad u xun xun kuna saabsan reerkiisa sida labadiisa hablood oo ay wax ka sheegeen sumcadooda iyagoo sheegay inay CARD foojari ah kaga iibsadaan dukaamada khamriga khamri ka badan kii loogu talo galay, sakhrad badan iyo isticmaalka DRUGSka kaleba, iyadoo sidaasi jirto oo aynu ognahay, soo qaadida dadka dhintay ee lagu eedaynayo madaxweyne Daahir Riyaale miyuu ka liitaa gabadhaas sakhradooda lasoo qaaday, waar waxaan leeyahay MAYA, nin waliba meeshuu u jilicsan yahay baana lays taabanayaa ninkii amaan wadankan ka doonayaana hore ayuu usoo samaysan lahaa sumcad , marka nin wax laga sheegona yaan laga dhigin Qabiil hebel baa loo jeedaa iyo wax la mid ah. 

Dadka qaarkii waxay aad isu weydiiyaan sidaan ka arkay qoraalo saxaafada lagu soo bandhigay, madaxweynaha may ahayn in waxaa laga sheego, Maxaynuse dadka kula hadlaynaa haddii maanta isagoo in badan wadanka madaxweyne ku xigeen ka ahaa aynu arintan ku sheegno? waxaanse leeyahay dadka sidaas u fekeraaya ma aha madaxweynuhu macsuum waa bani aadam dambina wuu geli karaa xilka uu hayaana ku ilaalin maayo inaan wax laga sheegin ama dembi lagu soo oogi karin, Maxaynuse dadka ku nidhaahnaa inagoo maanta dembiga AFRICAN WATCH ka qortay inagoo ku hayna inaynu mudo shan sanadood ah wadankan ku sii aamino masiirkiisa?

Soomaaliduna Waxay ku maahmaahdaa "hadaad cay doonaysona waa laguursadaa , hadaad amaan doonaysona waa la dhintaa" ( alla ma nin iyo buu ahaa),

Ismail Hassan Yassin
Islamabad, Pakistan
Ciil_tire@hotmail.com

Top


Dahir Riyaale ha iska casilo xilka madaxweynenimada dalka, hadii uu xasuuqii Berbera ka dhacay uu gacan ka gaystay!

Inkastoo mudo laga joogo wakhtigii ay xukumada Afweyne xasuuqa u gaysatay shacbiweynaha reer Somaliland. Ayaa hadana haboon tahay in la is xasuusiyo in aanay mujtamaca reer Soamaliland aanay ilaawin gacan ku dhiig layaashii ay ka midka ahaayeen Gen Morgan iyo Gen Gaani ee iyagu ka qayb qaatay falalkii ay ku gumaadeen dadkii shacabka ahaa ee waxay gaysteen aanay jirin. 

Hadaba eedeyntan uu dhawaan soo jeediyay Mudane Muuse Biixi waraysigii ay Somaliland TV la yeelatay, ayaa ahaa mid wal bahaar iyo khal khal badan ku abuuray dadyowgayagii dibadaha joogay. Sababtoo ah, maadaama falkan lagu soo eedeeyay Madaweynihii Jamhuuriya Somaliland yahay mid aad u khatara, hadii uu dhaboobana aan markaa ay haboon tahay in Riyaale sharciga lala tiigsado. 

Waxaan sidaa darteed Maxkamada sare ee Somaliland ku haboon in ay si qotodheer arintan u baadho, iyadoo ka gungaadhaysa eedeyntan lagu soo oogay Madaxweynihii dalka Mudane Dahir Riyaale. Hadii arintani beenowdana markaa ay talaabo ka qaadaan mudane Muuse Biixi, maadaama uu madaxweynaha ku aflagaadooday.

Hadiise ay arintanu rumowdo, waxaa haboon in madaxweynuhu iska casilo jagada uu dalka u hayo maadaama aan xil loo dhiibi karin shakhsi isagu ka qayb qaatay xasuuq loo gaystay mujtamaca uu isagu doonayo inuu iminka xilka u qaado. 
Guul iyo Gobamnimo Somaliland baa leh 

Osman Awad, USA

Top


Wararka Dibadda 

Ururada Xuquuqda Aadamaha Oo Cambaareeyay...

London (W.Wararka) - Ururka xuquuqda aadamaha Amnesty International ayaa cambaareeyay go’aanadii ka soo baxay shirkii ay yeesheen wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta ee dalalka Carabta oo toddobaadkii tegay lagu soo gebogebeeyay caasimadda dalka Tunisia, kuwaas ku saabsan ladagaalanka argagixisada.

Bayaan uu ururku ka soo saaray xaruntiisa uu ku leeyahay London waxa uu ku sheegay in go’aanada ka soo baxay dalalka Carabta ay meel kaga dhacayaan xuquuqda banii’aadamka tallaabooyinka ay sheegeen inay kula dagaalamayaan argagixisada, taas oo ururku uu sheegay inay xakamaynayso xorriyadda fikirka iyo xuquuqda dadka ee aas-aasiga ah. Go’aanada ka soo baxay shirka golaha wasiirada Carabta ayaa qaybo ka mid ahi ay ahaayeen kuwo ah in tallaabooyin adag laga qaato argagixisada.

Waxyaabaha kale ee ay diideen waxa ka mid ah in la sameeyo guddi khubaro ah oo soo dersa habka loola dagaalami karayo argagixisada iyo xakamaynta hay’adaha iyo ilaha dhaqaale ee la xidhiidha hawlo argagixiso.

Top


Xubin ka mid ah Xisbiga Dimuqraadiga oo cambaareeyay Bush

Washington (W.Wararka) - Mudane ka tirsan Kongereska Maraykanka kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku eedeeyay madaxweyne Bush inuu go’doomin ku ridayo Maraykanka, isla markaana uu xumaynayo sumcadda uu Maraykanku ku leeyahay adduunyada.

Mudanahan oo la yidhaa Robert Bird, waxa uu intaa ku daray in tallaabooyinka ku Aadan dalalka Ciraaq iyo Waqooyiga Kuuriya ay yihiin kuwo wax u dhimaya taageerada uu Maraykanku ku leeyahay caalamka, isaga oo intaa ku daray in qaabka uu u dhaqmayo maamulka Bush marka la eego siyaasadda Arrimaha Dibedda ay cadaawad u soo jiidayso dadka Maraykanka. Waxaanu mudanuhu is weydiiyay waxa ay dadka Maraykanku ku qancin karayaan caalamka marka la eego hab-dhaqanka maamulka Bush. Waxa kale oo uu tilmaamay in arrimahani ay Maraykanka u soo jiidayaan weeraro cusub oo lagu soo qaado ayna fuliyaan kooxo argagixiso ah oo ka cadhaysan tallaabooyinka maamulka Bush.

Ugu dambayntii waxa uu mudanahaasi soo jeediyay in muranka ka taagan waqooyiga Kuuriya iyo Ciraaq lagu dhammeeyo hab diblomaasi ah.

Top


Ciraaq Oo Diidan Tallaabooyinka Baadhayaasha Hubka

Baqdaad (W.Wararka) - Dawladda Ciraaq ayaa ku celisay diidmadeedii ku wajahnayd hab-dhaqanka baadhayaasha hubka ee hawlgalka ka wada dalkaasi, taas oo ka dambaysay hanjabaadii ka soo yeedhay madaxa baadhayaasha hubka oo digniin kulul u jeediyay maamulka Sadaam Xuseen oo uu ku dhiiriyay inuu si buuxda ula shaqeeyo baadhayaasha hubka.

Madaxweynaha dalka Ciraaq Sadaam Xuseen oo maalintii Jimcihii ka hadlayay sannad-guurada 12aad ee ka soo wareegtay dagaalkii Khaliijka ayaa sheegay in dawladdiisu ay u babac-dhigayso weerar kasta oo lagu soo qaado, isaga oo ugu baaqay dadka reer Ciraaq inay galaan heegan buuxa. Sadaam Xuseen wuxuu intaa ku daray in dalka Ciraaq uu leeyahay taariikh dheer oo dhinaca xaddaaradda ah, isla markaana Maraykanka iyo Israa’iil ay u heelan yihiin inay burburiyaan ilbaxnimada dadka reer Ciraaq.

Dhinaca kale, waxa weli sii socda muranka u dhaxeeya dawladda Ciraaq iyo baadhayaasha hubka, iyada oo uu madaxa baadhayaasha hubka Hans Blix ku eedeeyay maamulka Sadaam Xuseen in aanu weli si buuxda oo lagu qanci karo ula shaqaynin baadhayaasha hubka. Waxaanu sidaa ka sheegay isaga oo booqasho ku tegay dalka Qubrus kuna sii jeeda caasimadda Ciraaq ee Baqdaad oo uu ka wadi doono hawlaha ay halkaa ka hayaan.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay Muuse Shoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 69aad

Mingistu: Run ahaantii Aniga iyo xubnaha kale ee golaha dhergigu waxba kamaanu ogayn arinta la leeyahay lafihii boqorka ayaa laga soo guray kursigii xafiiskayga hoostiisa, isla markaana sidii aan horeba kuugu sheegay waxaan goor walba si dardaarran ah dadka ugu sheegi jiray in boqorka la kool-kooliyo. Laakiin anigu maanta waxaan ahay nin qaxooti ah oo dalkiisii ka firxaday, sidaa darteed inta noloshayda iiga dhiman ma garan karayo sida ay dadka kale arintaa u arkaan, balse aniga dedaalkaygu waxa weeye inaan dadweynaha reer Itoobiya runta uga sheego wixii dhacay ama aan ogaysiiyo sida ay runtu tahay, isla markaana aan niyadayda dejiyo. Sidaa awgeed boqorku wuxuu ahaa nin aad u da’weyn, ta labaad markii uu xilka ka degay wuxuu ahaa ninkii lagu lahaa "Tuugga", markaa dhinacayaga siyaasiyan wax dhibaato ah oo noo geysan karayey may jirrin, sidaa darteed wax dabin ah oo aanu u maleegnay. 

Ta kale marka la eego xubnaha golaha dhergiga mid kastaaba aragti gooniya u ka qabay ayaa laga yaabaa, gaar ahaan marka laga hadlayo ama la leeyahay boqorku dembiyo ayuu geystay, laakiin aniga iyo xubnihii kale ee dhergiga midkaayana inta uu xusuustay wax dembi ah ulamaanu tegin boqorka ama maanu waydiin , isla markaana markii uu geeriyooday sidii loo aasi lahaa waanu ka wada hadalay, sidaa darteed marka la leeyahay bohol buu ku riday, maxaan sidaan u yeelayaa, ma waxaan ka baqayey inuu igu soo noolaado, ka dibna uu cunaha igu dhego miyaa, isla markaana marka la leeyahay injineer baa loo yeedhay oo xabaashiisa dayray ma waxaan ka baqayey inuu igu soo kaco oo xabaasha ka soo baxo, maxaa sidaa looga jeedaa, taasi waa waxaan aad ula yaabanahay, laakiin waxa ka sii yaab badan dadku sida ay waxaas oo kale u rumaysanayaan.

Ganat: Lafihii boqorka markii la soo guray waxa laga baahiyey telefishinka, taa sidaad u aragtaa?

Mingistu: Waxba igama gelin, haka sii daayeen, waayo way kari karayaan inay waxa ay doonaan ka sii daayaan.

Ganat:Hadaba hadii aad tidhi boqor Xayle Salaase halkaa kuma asana, waa kuma qofka raqdiisa laga helay xafiiskaaga hoostiisa?

Mingistu: Waayo maxaad sidaa u leedahay, goobta aad sheegayso imisa xabaalood baa ku yaalay, maxaan anigu ka garan karaa qofka uu yahay cidda ay lafihiisa soo saareen, waayo dad badan ayaa halkaa ku aasnaa.

Ganat: Lafaha la soo saaray waxa laga soo qoday madaxtooyada gudaheeda, gaar ahaan xafiiskaaga hoostiisa, taa maxaad ka odhan?

Mingistu: Nuxurku waxa weeye ama ay iswaydiintu tahay waa kuma cidda wax ku aastay madaxtooyada gudaheeda ama sidoo kale waa maxay sababta madaxtooyada gudaheeda wax loogu aasay, taa macneheedu ma waxaanu ka baqaynay in inta uu maydku noolaado uu nala dagaalami doono miyaa., taas waan la yaabanahay. Ta kale injineerka la sheegayaa meeshaba muu ahayn nin jooga, waayo xiligaa xabsiga ayuu ku xidhnaa ninka injineerka ah ee la sheegayaa, sidoo kale waxaan aniga iga dhaadhici karayn sababta mayd la aasayo loogu baahan karo injineerka, isla markaana maxay tahay sababta kelifaysa in mayd halkaa lagu aaso, waayo boqorku inuu dhintay waxa loo sheegay si cadaan ah oo aan mugdi ku jirin, ta kale qoysaskii iyo baaderiyadii codsaday in boqorka loo aaso sida uu yahay dhaqanka dalku, waxay ahaayeen kuwa doonayey inay gunaanadaan aaska boqorka, laakiin jawaabtii aanu taa ka bixinay waanu u sheegnay. Sidaa darteed in injineer la doono iyo in sibidh la doono oo dayr lagu dul-dhiso maxaa keenaya meesha, markaa run ahaantii markii sheekada caynkaas ah maqlay waan nafsad xumaaday,...

La soco cadadka dambe.

Top