Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 252 January 22, 2003

Heshiis Lagu Soo Afjaray Khilaafkii Dugsiga Sare Ee Sheekh

Xeer-Ilaaliyaha Awdal Oo U Digay Waalidiinta Dhallinyarada Rabshadaha Ka Sameeya Boorama

IRMAANTA SUUGAANTA

Gudoomiyaha Gaadiidleyda Berbera Oo Ka Waramay Hawshii Daabulka Raashinka Itoobiya

Taariikh Nololeedkii Marxuum Jen. Cali Xuseen Cabdi

Golaha Wakiillada Somaliland Oo Si Ba’an U Lafa-Guray Wacyiga Siyaasadeed Ee Dalka

Hargeysa: Iska Horimaad Dhul Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Mamnuucay Bixinta Dhulka Sharci-Darrada Ah

Wararka Dibadda

Askari Maraykan Ah Oo Lagu Dilay Dalka Kuwait

Booliska Ingiriiska Oo Sii Wada Go’doomintii Masaajidka Ku Yaalla London

Shir U Furmay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ee Afrika

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Maxaa Laga Dooranayay G/Deegaanka Haddii...?

Kumaa U Qalma Duqa Hargeysa?

Falaadhi Gil-Gilasho Kaagama Go’do

Maxaa Keenay Dib-U-Dhigga Fadhiga G/Deegaanka Hargeysa

Talo Waayeel

CIYAARAHA


Heshiis Lagu Soo Afjaray Khilaafkii Dugsiga Sare Ee Sheekh

Sheekh (Haatuf): Heshiis lagu soo afjarayo khilaafkii dib u dhigay furitaanka Dugsiga Sare ee Sheekh, ayaa dhexmaray Maamulka Waxbarashada, Hay’adda SOS iyo Duqayda Degmada Sheekh.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir (Casaan), waxa heshiiskan gacan ka geystay laba Sarkaal oo ka tirsan hay’adda SOS oo kala ah; Ashcari iyo Wakiilka Hay’adaasi u fadhiya magaalada Nayroobi, Mr. Wilyams, iyagoo wada hadalo la yeeshay dadweynaha Sheekh. Weriyaha oo qodobada heshiiskan wax ka weydiiyay Gudoomiyaha Degmada Sheekh, Maxamed Xuseen Ciise (Qamariye), ayaa sheegay in dhinacyada kulankan ka qayb-galay ay ku heshiiyeen in degmada Sheekh ay saami ahaan yeelato 7 arday oo ka mid ah 50-ka arday ee ugu horeeya ardayda galaysa dugsiga sare ee Sheekh, iyadoo ardaydaa lagu soo xulayo imtixaan laga qaado ardayda dugsiga ee Sheekh.

Waxaa kale oo heshiiska ka mid ah, in mustaqbalka loo qaybiyo ardayda dugsigaasi lixda gobol ee Somaliland iyo degmada Sheekh oo toddoba ku ah.

Heshiiska kadib dadweynaha reer Sheekh, waxay balan qaadeen in ay gacmo furan ku soo dhaweynayaan arday ka imanaysa gobollada, diidmadii horena waxay ku tilmaameen mid ka dhalatay saluug Maamulka Waxbarashada ah.

Top


Xeer-Ilaaliyaha Awdal Oo U Digay Waalidiinta Dhallinyarada Rabshadaha Ka Sameeya Boorama

Boorama (Haatuf) Xeer Iaaliyaha Gobolka Awdal ayaa u sheegay qaar ka tirsan waalidiinta ku nool magaaladan Booraama inay ka taxaddiraan inay dhan ka noqdaan gacan ka hadalkaa ama dagaalka dhex mara dhallinyarada iyo qoysaskooda kaasoo magaalada u horsedi kara xasilooni darro aan loo baahnayn sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar. Xeer Ilaaaliye Maxamed cusmaan Mire oo shalay kula hadlayay Xarunta maxkamadda Gobolka Awdal qaar ka tirsan waalidiinta ku nool Boorama oo carruurtooda looga shaki qabay inay ku lug leeyihiin rabshado horey uga dhacay magaalada waxa uu ku wargeliyey in beryahan dambe magaalada Boorama dagaalka qoysaska carruurtooda dhex maraa sababo in xitaa qoryo iyo hub kaleeba loo adeegsado taasoo sabai karta I n dhibaato kale ka timaaddo haddii laga hortegi waayo oo waalidku dhexdhexaad ka noqon waayo ama dhex geli waayo dagaalka dhallinyarada kala duwan dhexmara.Mudane maxamed Cusmaan mire waxa uu ku waaniyey hooyooyinka iyo odayaasha waalidka ah in wax kasta oo keeni kara nabadgelyo darro ay ubadkooda ka waaniyaan kana fogaadaan inay soo raacaan carruurtoodu waxay ku yidhaahdaan una hoggaansamaan .Hadalkan xeer ilaaliyuhu wuxu ka dambeeyery mar jimcihii an soo dhaafnay mid ka mid ah culumada diinta oo ka hadlayey masaajid ku yaalla Boorama oo ku eedeeyey qaar ka tirsan waalaidiinta reer Boorama in ay carruurtooda hub iyo arrinba ku taageeraan marka ay iska hor yimaaddaan kooxaha dhallinyarada ah ee marmarka qaarkood isku laaya magaalada dhexdeeda .Waxa kale oo caalimkaa diintu ku eedeedyey waalidiinta kooxaha dhallinyarada in marka ciidanka nabadgelyadu qabtaan ee la xidho kaga daba tegaan saldhigyada oo ay la dagaalamaan ciidanka nabadgelyada ama xukuumadda sare usoo ashtako tegaan iyagoo ku andacoonaya in ubadkoodu masaajidka ku maqnaayeen markas ay rabshaduhu dhacayeen oo si gardarro ah loo qabtay taasoo aanay waxba ka jirin.

Top


IRMAANTA SUUGAANTA

Dhambaal (Gabay)

Yuusuf Cabdulle Cismaan (Shaacir)

Cali Duul-Duul Iyo Suugaantiisa Casriga Ah 

Q: 3aad


Gabaygan la baxay "Geeridii Fanka" waxa tiriyay Cali Ismaaciil Carab oo loo yaqaan "Cali Duul Duul" qaybo kale oo ka mid ah suugaanta Cali Duul Duul waxaynu ku soo qaadanay labadii todobaad ee u dambeeyay qormadan badweynta Fanka iyo Suugaanta sida uu Cali sheegay gabaygan waxa uu tiriyay sanadkii 1996kii markii uu arkay heeso dibada lagu soo tumay oo aanu u bogin nuxurkooda iyo qaabka loo tiriyayba.

Kuwaasoo uu sheegay inaanay lahayn qaafiyad xidhiidhsan oo la raaci karo.

Maaha markii ugu horeysay ee gabaygan lagu qoro wargeysyada, balse waa gabay dadku aad u xiiseeyaan.

Gabaygu waxa uu dhaliilayaa dadka dibadaha jooga ee heesaha ka soo tuma oo uu Cali ku tilmaamay inay dileen fankii iyo suugaantii Soomaalida.

Waana kan gabaygii:

"Geeridii Fanka" 
Gabay iyo maah-maaho iyo guuraw iyo maanso
Geeraar buraanbur iyo Gibil heeso kala gaara guud ahaan fankaan lagu ogayn gef iyo leex leexee
Geela iyo laga jeclaa guunyo idilkeeda.
Gabaygaa hore iyo kuwaan oday ka soo gaadhnay
Gaariyiyo Hadraawi miduu Ganayba noo sheegay
Sangubiyo ganuuntii Askari, boqoradii geeska
Nimankii murtida lagu galaday gebi ahaantooda
Gafaniyo qaniin baa ku kacay gooshkan maanta ahe
Gaaladu daray caawisoo labada gees xiirtay
Oo aan godob ka yaabaynin baa soo gadaal baxaye
Goortaad maqashid luuqdooda iyo gole ka buuqooda
Guuguuliyo waxa lagu gartaa ciyaw guduudoode
Guumaystu uma qaylisiyo galawga qaarkiiye
Geeriyoo fankii dhaqana waa naga gumeeyeene
Waxaan uga gol leeyahayna waan idin garwaaqsiine 
Fanku wuxuu u gogol xaadhi jiray xaajo gura wayne
Geyaa lagu xorayn jiray ku maqan gacan shisheeyaade
Gabdhahaaba lagu guursan jiray guudka loo daba’e
Gamaankaaba lagu fuuli jiray gooriyo ayaane
Geelaaba lagu foofin jiray waa guduutaba’e
Gadh madoobe iyo odayo iyo guurti iyo shiikhyo
Garaan lagu afjarin laguma arag gebiga soomaale
Gebi wuxuu ku dumay maalintaa madaxa goyseen’e
Gacmihiyo lagiibaa jarteen gebi ahaantood’e
Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxaan ku soo gaabshay
Geyigaa ka dhoofteen markuu guule idin keeno
Ee gacantu inay hiilisaa ay gar ii noqoto
Inaan idinka gudan galiya maankiina.

Top


Gudoomiyaha Gaadiidleyda Berbera Oo Ka Waramay Hawshii Daabulka Raashinka Itoobiya

Berbera (Haatuf):- Guddoomiyah iskaashatada gaadiidka ee Tawfiiq Maxamed Axmed Xuseen ayaa ka warramay gaadiidkii u gudbinayay raashinka caawimada ahaa dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha gaadiidlayda Tawfiiq oo shalay warbixin kooban siiyay weriyaha Haatuf ee Berbera, C/raxmaan X. Daahir (Casaan), wuxuu sheegay in tirada gaadiidka raashinka qaaday ahayd 1200 oo gaadhi, laakiin ay gaadiidkaa afar ka mid ah dhibato soo gaadhay oo dhaceen, iyadoo uu sheegay inaanay gaadiidku marka ay dhibaato soo gaadho aanay wax gurmad ah ka helin dhinaca dalka Itoobiya, hase yeeshee wuxuu guddoomiyaha Tawfiiq intaa ku daray in ay arrintaa iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin gaadiid ka mid ah ururkooda oo lagu haysto dalka Itoobiya oo ay xukuumadda somaliland uga cawdeen sidii wax looga qaban lahaa, balse aanay ilaa hadda ku guulaysan xukuumadda somaliland in ay wax ka qabato inay Dawladda Itoobiya ka sii dayso gaadiidleyda somaliland ee ku jira ururkooda Tawfiiq iyo inay gaadiidku gurmad ka helaan Dawladda Itoobiya marka ay dhibaatooyin ku yimadan ee ay u baahdaan qalab lagaga saaro waddooyinka buuralayda ah ee ay ku dhacaan.

Guddoomiyaha Tawfiiq waxa kaloo uu sheegay inay jiraan lacagayow kala nooc ah oo gaadiidka lagaga qaado Gebilay iyo Wajaale, iyadoo Gebilay lagaga qaado 5000 Sl/Sh oo Dawladda hoose ah iyo 5000 oo ay qaataan amagarayshanka. Wajaalana 5000 oo sharci-darro ah, laakiin ay xukuumadda somaliland u gudbiyeen cabashadooda, balse ay weli sugayaan jawaabta.

Guddoomiyaha mar la weydiiyay sida ay urur ahaan ka yeelaan gaadiidka aan geli karayn safarka dheer, wuxuu sheegay inay gaadiidka u kala saraan ABC oo ay gadiidka aan meelaha fog-fog wax u qadi karin ay siiyaan daabulka dekedda marka u soo baxo.

Mar la weydiiyay xilliga ay bilabeen hawshan iyo waxa ururku u qabto gaadiidlayda wuxuu sheegay 1999kii fureen xafiiskooda, hawsha ay gaadiidka u qabtaana ay tahay itaalinta iyo nidaaminta danaha gaadiidlayda.

Top


Taariikh Nololeedkii Marxuum Jen. Cali Xuseen Cabdi

Allah how naxariistee Mujaahid General Ali Hussein Abdi, waxa uu ku dhashay magaalada Sheikh, 1939kii, waxa uu ku dhamaystay tacliinta dugsiga hoose iyo dhexe, magaalada Sheikh. Cali Xuseen wuxuu ka mid ahaa ardaydii tirada yarayd ee deeqda waxbarasho loogu diray dalka Masaarida sanadku markuu ahaa 1953kii. Cali Xuseen isagoo ugu da' yaraa ardaydii markaas tacliintii dugsiga sare iyo tacliintii Jaamacadeed kusoo dhamaysatay dalkaasi Masaarida wuxuu kusoo noqday dalka 1959kii. Cali markii uu wadanka kusoo noqday isagoo kasoo qalin jabiyay jaamacadii Milateriga ee ugu caansanayd dalkaasi Masaarida. Cali waxaa uu isla markiiba sarkaal xidigle ka noqday Milateriga magaalada Hargeisa markii xoriyada la qaatay 1960kii isagoo aad iyo aad u da' yar.

Cali Xuseen wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii loo diray dalka Ruushka, magaalada Moscow, waxaanu ka qalin jebiyay jaamacada Moscow ee Milateriga oo uu mudo Afar sanadood ah uu ku baranayay Sida Ciidamada loo dagaal geliyo (Istarategiyada ciidamada), markay taariikhdu ahayd 1971-1975 Cali Xuseen wuxuu usoo shaqeeyay xukuumadahii ka jiri jiray wadankii la odhan jiray Somalia isagoo ka gaadhay jagada Jeneral Milerigii Somalia, kana qabtay jagooyin aad iyo aad u waaweyn oo ay ka mid ahayd, Taliyihii Qaybta 21aad ee gobolada dhexe dagaalkii Soomalida iyo Itoobiya. Wuxuu kaloo noqday Taliyihii Hogaankii Isgaadhsiinta ee Ciidankii Soomaliya oo dhan. Cali Xuseen wuxuu helay bilad Geesi isagoo watay ciidankii ka dagaalamay Qabridahare, Goday, iyo magaalooyin kale oo badan sanadkii 1977kii.

Alle haw naxariistee Cali Xuseen markii uu arkay cadaadiskii uu xukuumadii Af-Weyne ku hayay dadkiisa ayaa waxa uu ku biiray Mujaahidiintii SNM oo isagoo wata ilaa 17 Sarkaal oo reer Somalilad ah oo ka soo shiraaqday Magaalada Muqdisho taasoo taliskii Af-Weyne ku noqotay Af kala qaad iyo moraljebis aad u balaadhan. Alle How naxariistee Mujaahid Cali Xuseen wuxuu door aad u balaadhan ka ciyaaray xorayntii Somaliland, markii waddanka lagu soo noqday wuxuu ahaa Gudoomiyihii Gudidii Dagaal gelinta ee SNMta ee waddanka inoo xoraysay.

Ilaahay naxariistii Janada ha ka waraabiyee Cali xuseen wuxuu ahaa Dagaal yahan ruug cadaa ah, shakhsi ahaana nin aad loo jecel yahay oo asxaabtiisa, shicibka iyo askartiisuba ay aad u jeclayeen. Wuxuu ahaa nin aad u degan, af-gaaban, aadna farxaan u ah, oo aan dadka dhibaato u geysan. Wuxuu mudo dhakhtar ugu maqnaa cariga dalka Maraykanka oo uu degan yahay Inankiisu. Cali Xuseen wuxuu ka codsaday reerkiisa in lagu soo celiyo wadanka si haddii uu Ilaahay tiisa ka dhigo uu ugu dhex dhinto dadkiisa iyo dalkiisa. Waxa uu sanadahii ugu danbeeyayba ku noolaa magaalada Hargeisa oo uu ku xanuusanayay oo ay ku haysay afadiisa Faadumo. Alle how naxariistee wuxuu yahay Geesi ka baxay Somaliland.

Ilaahay samir iyo iimaan ha kasiiyo Ehelkiisa, reerkiisa, iyo dhamaan Somaliland.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Waxan halkan tacsi uga dirayaa walaalkeen Jamaal Cali Hussein iyo dhammaan reer Cali Hussein oo aan ka tacsiyaynayo geerida ku timid Mujahid Gen. Ali Hussein Abdi. 

Ilaahay marxuumka Jannadii ha ka waraabiyo, qoyskiisii, qaraabadiisii iyo dhammaan shacbiga reer, Somaliland-na samir iyo iimaan ha ka siiyo. Amiin.

Mahdi Hussein
44C Weaver Court
Roxbury, MA USA

Top


Golaha Wakiillada Somaliland Oo Si Ba’an U Lafa-Guray Wacyiga Siyaasadeed Ee Dalka

"Qof kale ceebayntiisa waa in aan doorasho lagu doonan.. xataa haddii lagu heshiiyo inuu Madaxweynuhu Isaaq noqdo...ninka iga tirada badan ayaa odhanaya safka dambe gal"
- Mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde

"Nimanka Garoowe Tegay waxa diray Wasiiro Xukuumadda ka tirsan"

"Aynu is weydiino sida doorasho loo gelayo dalkii oo kala maqan"


Hargeysa (Haatuf): Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo maalmihii u dambeeyey ka doodayey ajande la xidhiidha qiimaynta xaaladda guud ee siyaasadda iyo wacyiga dalka ayaa fadhigoodii shalay waxay mudanayaashu ku faaqideen mawduucyo ay ka mid yihiin wixii duruufo iyo dhaliilo ah ee ka dhashay doorashadii dawladaha hoose ee dhowaan dalka ka dhacday, go’aankii muddo-kordhinta xukuumadda ee ay golaha guurtidu dhowaan qalinka ku duugeen, xaaladda gobolada bari ee Somaliland iyo weliba qoddoba kale oo la xidhiidha marxaladda uu waqtigan xaadirka ah dalku marayo iyo guud ahaan wacyiga siyaasadeed ee Somaliland. Hase yeeshee marka hoos loo sii daadego qoddobada kale ee muhimka ah ee ay mudanayaasha golaha wakiiladu carrabka la dhacayaan waxa ka mid ah in dib loo eego distoorka, taas oo ay afkaaraha qaar leeyihiin waa in wax ka bedel iyo wax ku kordhin lagu sameeyo, iyadoo ay inka badan ilaa shan mudane maalintii shalay masraxa isa soo taageen, ka dibna doodo ka jeediyeen, waxaana fadhiga gudoominayey gudooomiye-kuxigeenka aqalka wakiilada, mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde.

‘Inbadan waxaan maqlay golaha guurtidu sannad bay ka dambeeyaan xiliga dawladda, laakiin distoorku wuxuu dhigayaa in laga soo bilaabo maalinta la doorto ay mudadoodu tahay lix sannadood, balse ma jirto meel ay ku qoran tahay mar walba sannad bay ka dambaynayaan golayaasha kale ma jirto"sidaa waxa yidhi mudane Farxaan Maxamed Cali oo ka mid ahaa mudanayashii ka qayn qaatay dooddii shalay, wuxuuna mudane farxaan is doorin siiyey inay odayaasha guurtidu laba hal mid uun noqdaan inay noqdaan odayaal dhaqameed baarlamaanka kaaba iyo inay noqdaan mudanayaal la soo doorto oo ka mid noqda golaya wakiilada, lana xeer noqda, isla markaana waxa uu daadeefeeyey mawduuca la magac baxay muddo-kordhin. Laakiin mudane Farxaan waxa kale oo uu doodiisa ku soo qaaday guddiga doorashooyinka, wuxuuna ugu horayn soo jeediyey in guddigaa loo yeedho oo ay golaha horyimaadaan si su’aalo looga waydiiyo sidii ay doorashadii dawladaha hoose u maamuleen, isaga oo si kulul u dhaliilay guddiga doorashooyinka, laakiin wuxuu yidhi "Guddiga doorashooyinku dalkii oo dhan bay fashiliyeen oo ay khatar geliyeen, waana in la iswaydiiyo guddiga doorashooyinku ma yihiin kuwo sii wadi kara hawlaha doorashooyinka, waayo guddiga doorashooyinku macnawiyaddii doorashada ayey baabi’iyeen oo fashiliyeen, sidaa darteed waxaan qabaa inaanay ku hadhin kalsooni dambe oo ay wax ku sii maamulaan."

Mudane Farxaan waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda bariga Somaliland, isaga uu tafaasiil badan ka bixiyey duruufaha ka jira, isla markaana waxa aad u dhaliilay saamaynta maamul ee ay dawladdu ku leedahay bariga Somaliland, wuxuuna ku andacooday inay dadka ku dhaqan degaamada bariga Somaliland inay diyaar u yihiin inay ka qayb qaataan hawlaha iyo qadiyadda Somaliland, basle ay waayeen cid ay wax la qaybsadaan, isaga oo markaa u jeeda dawladda oo uu ku tilmaamay inay ka gaabisay doorkeedii wax ka qabashada duruufaha iyo maamul fidinta, isla markaana waxa kale oo uu ku taliyey in wax laga qabto cabashooyinka siyaasiga ah ee beelaha bariga Somaliland (Reer Sool & bariga Sanaag). Laakiin Farxaan waxa uu si gaar ah carrabka ugu dhuftay ninka la yidhaahdo Axmed Cabdi Xaabsade oo hadda ah wasiirka daakhiliga maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf, laakiin mar ahaa gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, wuxuuna yidhi "Xaabsade waxa uu ahaa gudoomiyihii golaha wakiilada Somaliland, laakiin si sharciga waafaqsanayn ayaa loo eryey, iyadoo xataa loo diiday inuu xubin sharafeed ka noqdo golaha Guurtida oo uu xaq u lahaa, markaa waxaan leeyahay hadii aad arin dhayalsato waxay gaadhaysaa meel aaddan waxba ka qaban karayn sida Xaabsade oo kale, arintaasna waa in Guurtida lagala xisaabtamo, laakiin Qaybe (Gudoomiyaha wakiilada) waxa uu ka soo jeedaa beesha uu Xaabsade ka soo jeedo, waxaanse arkayey waraaqo halkan lagu sax-sax-saxeexayo oo la leeyahay hala eryo, balse hadii la eryo isna halkii Xaabsade ayuu marayaa". Laakiin mudane Farxaan waxa uu soo qaadaya arin kale, wuxuuna yidhi ""Waxa jira niman beesha bariga Burco ka tirsan oo tegay Garoowe, laakiin warar baa sheegaya inay niman wasiiro ah oo xukuumadda ka tirsani nimankaa direen, sidoo kale waxa la sheegayaa inay rag wasiiro ahi ku lug lahaayeen arintii Madaxweynaha kaga dhacday Laascaanood, arintaa waa in baadhitaan lagu sameeyo."

Mudane Farxaan waxa kale oo uu soo qaaday siyaasadda arimaha debedda, isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, taas oo uu ku andacooday in beryahan dambe mugdi ka muuqday xidhiidhka labada dhinac, wuxuuna yidhi "xidhiidhka inaga (Somaliland) iyo Itoobiya mad-madow badan baa soo dhex-galay ee hala baadho, hana la hagaajiyo."

"Maalmahan dambe waxa soo bax-baxaya baaq reeraysan oo leh tolaay yaa isaaq ah, laakiin waxaynu u gudubnay Axsaab siyaasiya, markaa yaan reernimo iyo qabyaalad la keenin oo aanay arintu inaga noqon sidii Muuse Suudi Yalaxow"ayuu yidhi mudane Farxaan.

Mudane Jaamac C/laahi Biin ayaa isna doodda ka qayb qaatay, wuxuuna ugu horayn wax ka taataabtay hawlaha iyo waajibaadka golahooda looga baahan yahay, isaga oo golihiisa ku dhaliilay inuu ku dhaqmi waayey ama la jebiyey xeerarkii iyo shuruucdii, wuxuuna yidhi "Waxa jira waxyaalo distooriya oo lagu xad-gudbay oo ay mudanayaal iyo shir-gudoonkuma jebiyeen iyo xeer-hoosaadkii golaha oo lagu dhaqmi waayey, halkana waxa taal in distoorkii jaban yahay, shirgudoonka waxaanu ku eedaynaynaa dembiile qaran iyo distoor jebin."

Mudane Maxamuud Axmed Cali ayaa isna madasha dood ka jeediyey, wuxuuna ugu horayn carrabka ku dhuftay guddiga doorashooyinka Qaranka, isaga oo ku taliyey in loo yeedho, ka dibna wax laga waydiiyo wixii dhaliilo iyo mad-madow ah ee ka muuqday sidii ay u maamuleen hawlaha doorashada. "Xeerka dooorashooyinku waxa uu ku salaysnaa inay lixda gobol-ba doorashadu ka dhacdo, laakiin iyadoo aanay doorashadii dhicin ayaa gobol meesha laga saaray, ka dibna xeerkiina lama soo celin , doorashadiina waa la fuliyey, halkaasina waa halka ugu horaysa ee ay ka qaldantay". Laakiin intaa ka dib mudane Maxamuud Axmed Cali waxa uu ka hadlay go’aankii muddo-kordhinta xukuumadda ee ay odayaasha guurtidu ku dhawaaqay 18-kii bishan, wuxuuna mudanahani go’aankaa ku tilmaamay mid ay sharciyadiisu caabuq leedahay. Sidoo kale mudanahani waxa uu ku dooday inuu distoorka Somalilandu baahan yahay tafsiir badan, isla markaana waxa uu ku tilmaamay mid ay qabyo badani ka muuqato, sidaa darteed loo baahan yahay in dib loo eego. "Distoorkeenu waxa uu meesha ka saarayaa inaanu qofku isa soo sharaxi karin hadii aanu xisbi ka tirsanayn, taasina waxay gebi ahaan-ba ka hor-imanaysa xaqa muwaadinku u leeyahay in la doorto ama uu wax doorto"ayuu yidhi Maxamuud Axmed Cali. Laakiin waxa kale oo uu ka hadlay miisaaniyadda dawladda, wuxuuna yidhi "Waa arin distoori ah inay miisaaniyadda dawladdu bishii Ogost, 2002 hor tagto golaha wasiirada, ka dibna ay bishii Oktoobar, 2002 hortimaado golaha wakiilada si loo ansixiyo, laakiin maanta iska dhaaf gole wasiiro oo xataa diyaar kama aha waaxda miisaaniyadda ee wasaaradda maaliyadda, taasina waxay ayaan daro ku tahay qaranimadeena, mana garanayo xukuumadda waxa loo waydiin waayey sababta ay arimtaa distooriga ah u fulin wayday ."

Intaa ka dib mudane Maxamuud Axmed Cali waxa uu ka hadlay xaaladda gobolka Sool iyo Sanaag bari, isaga oo tilmaamo ka bixiyey, isla markaana waxa uu ku dooday inay dhibaatada siyaasadeed ee bariga Somaliland tahay mushkilad siyaasadeed oo aan ilaa hadda la helin halka ay sartu ka qudhantay iyo xalkeeda, isaga oo farta ku fiiqay xukuumadda. "Waxa la yaab leh sida aynu ugu degdegayno doorashada baarlamaan bilaa Harti ah iyo doorashada Madaxweyne aanu shacbiga Somaliland 50% doorran, taasina waa ayaan daro, waana arin aynu lug gooye hor leh oo aanay ka soo kabban ugu geysanayno Jamhuuriyaddan curdinka ah"ayuu yidhi Maxamuud. Laakiin mudanahani waxa uu ka hadlay arin kale, wuxuuna yidhi "Waxaan ka hadlayaa sheeko yooyootan ah oo jaraa’idka ah, taas oo ah eedaynta Muuse Biixi Cabdi ee ku waajahan Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, waxaan qaba in jawaabaha la isaga celiyey ay dhammaantood wada khaldan yihiin, sidaa awgeed hadii uu mujaahidku eedayn keenay waxa looga baahan yahay inuu cadaynteediina soo raaciyo, laakiin arinta laga daayo saxaafadda iyo yooyootanka."

Mudane Maxamed C/laahi Samaale ayaa isna masraxa isa soo taagay, wuxuuna ugu horayn yidhi "Waa in xeerkii guurtida si degdeg ah wax ka qabashadiisa loogu talaabsado oo si dhakhso ah xagga xukuumadda looga dalbo, xeerka baarlamaankana waa in xukuumadda laga dalbo oo si degdeg ah fuliyo". Laakiin mudane Samaale waxa uu aad uga hadlay, carrabkana ku adkeeyey xeerkii saxaafadda, wuxuuna yidhi "Saxaafadda waxaynu nidhi way madax banaan tahay, laakiin waa in xeer nidaamiyaa madax-banaanideeda, waayo ilaa xadkee ayey madax banaan tahay, madax-banaanideedu ma mid furan baa, mise waxa jira xad aanay geli karin". Laakiin mudanahani waxa kale oo uu ku dooday in laga shaqeeyo wadajirka iyo midnimada Somaliland, wuxuuna yidhi "23 degmo ayaa loogu talo galay inuu food ka dhaco, laakiin 7 ka mid ah food kama dhicin, taas oo ah in foodkii dawladaha hoose la kala reebay, basle waxa meesha taal doorashada madaxtooyada maxaa laga yeelayaa, laakiin waa inaynu ka wada hadalo oo aynu talo ka bixino, iyadoo uu dalkii kala maqan yahay sida doorasho madaxtooyo loo gelayo, waana inaynu talo ka bixino waxa laga yeelayo Sool iyo Sanaag bari."

Mudane Xasan Maxamed ayaa isna dooddii shalay hadal ka dhiibtay, laakiin waxa ugu horayn ka hadlay xaaladda bariga Somaliland ku soo korodhay iyo guud ahaan duruufaha siyaasadeed ee ka jira, wuxuuna ku dooday in loo baahan yahay inuu maamulka Somaliland la gole yimaado istaraatijiyad lagu waajaho xal u helidda iyo wax ka qabashada duruufaha siyaasadeed ee degaamada bariga Somaliland.

"Wixii qaladaad ah ee dhacay xiligii doorashada iyo ciddii sharcigii jebisay ee ku geftay waa in dembigooda lagu qaado, taana waa in guddiga doorashooyinka loo yeedhaa oo hadii ay taasi ku cadaato lagu qaado"ayuu yidhi mudane Xasan Maxamed. Laakiin mudanahani waxa kale oo ka hadlay go’aankii muddo-kordhinta xukuumadda, wuxuuna yidhi "Anigu waxaan qabaa in mudada la kordhiyey wax alaale wax ay xalilayso iyo wax ay kordhinaysaa toona jirin, waayo mudada la kordhiyey waa saddex bilood oo dhiman, waxaana la leeyahay meel 12 sannadood dhul la sugayey oo aan weli go’aankiisa la hayna waxa la leeyahay doorashadu haka dhacdo, anigu waxaan leeyahay way iska hadleen, mana xishoonayaan, sidaa darteed anigu waxaan leeyahay inay dhibaato iyo nitaakho dambe uun keenayso."

Mudane Cali ayaa isna doodda ka qayb galay, wuxuuna ugu horayn ku taliyey inuu goluhu marka hore inta aanu wax ka hadlin inuu qabyo tiro wixii shuruuc ama xeerar ah ee ay qabyadoodu muuqato, laakiin intaa ka dib waxa uu mudanahani u leexday dhinaca bariga Somaliland . " Arinta 12 sannadood xal laga gaadhi waayey way adkaanaysaa in muddo gaaban xal laga gaadho"ayuu yidhi, wuxuuna intaa ku daray "Anigu waxaan ka mid ahaa weftigii saddexda bilood ku maqnaa, waxaanuna keenay wax qabad muuqda oo markhaati leh, isla markaana waxaanu furaa inuu shacabka halkaa degani Somaliland yahay, waxna waanu isla soo gaadhnay, laakiin wax baa qaloocday, markaa waa in guddi labada gole ah degdeg loo saaro si ay u soo baadhaan arinta."

Mudane Cali waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda bariga Sanaag, iyadoo uu mudanahani ka soo jeedo degaamada bariga Sanaag, sidaa darteed isaga oo iftiiminaya tabashada dadka degaamadaa wuxuu yidhi "Weli waxa qaldan qaabka maamul iyo cadaalad wax ku qaybsiga maamulka gobolka, taas oo aan si cadaalad ah loo dhisin, qoddobka labaadna waxa uu yahay gobolka Sanaag cadaaladdi Somaliland ku heshiisay in wax lagu qaybsado gobolka Sanaag weli ma hayo, qoddobka saddexaad waxa uu yahay dhulalka la kala haysto, taas oo beesha bariga Sanaag hantidii la kala haystay 99% waa laga haystaa, Hargeysa ayeyna u badan tahay meesha lagaga haystaa, arimahaa hadii wax laga qabto arinta bariga Sanaag way dhamaanaysaa."

Ugu dambayn mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde oo fadhiga gudoominayey ayaa dooddii shalay soo gunaanaday, wuxuuna carrabka ku dhuftay axsaabta siyaasadda iyo masuuliyadda looga baahan yahay, sidoo kalena waxa uu ka hadlay arinta beryahan doodda abuurtay ee eedayntii loo jeediyey Madaxweynaha Somaliland, wuxuuna yidhi ‘Axsaabta waxa laga rabaa inay masuuliyad ah u tartamaan, dhinaca kaambaynkana xisbi waliba waa inuu iibiyo khibradiisa iyo barnaamijkiisa, laakiin qof kale ceebayntiisa waa inaan doorashada lagu doonan, waayo taasi dadka oo ay sii kala fogayso mooyaane waxba ma tarto, arinta laga hadlayo (eedaynta) waxaynu u furay xafiis dhan, xafiiskaasina waxa uu hawshiisa u marayaa sifo sharci iyo nidaam, markaa waxay ila tahay in xafiiskaa hawshiisa loo daayo oo aan laga hoos ugaadhsan, berigi Afweyne Xamar laga saaray Xuseen Kulmiye oo ah ninkii Siyaad Barre ku xigay ayaa soo fadhiistay meeshii Hawiye looga talinayey oo dadka kala shaandhaynaya, laakiin wuxuu isagu dembi u yeellan waayo tolkii ayaa guulaystay ayey ahayd, waxyaalaha ay koonfurtu u kala bixi waydayna waa taa, ta kale tollaayeyduna ma aha wax aynu ku heshiinay, waayo xataa hadii maanta lagu heshiiyo oo la yidhaahdo Isaaq ayuun baa Madaxweyne noqonaya, anigana ninka Isaaq ee iga tirada badan ayaa odhanaya safka dambe gal ma ogolin in Arab dalka ka taliyo, markaa intaan beelo kale ka hadlin anagaaban ogolayn."

Top


Hargeysa: Iska Horimaad Dhul Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay

Hargeysa (Haatuf): Laba qof ayaa dhintay, laba kalena way dhaawacmeen, ka dib markii uu iska hor-imaad la xidhiidha muran dhulka ahi ka dhacay xaafadda Masalaha ee koonfurta magaalada Hargeysa (agagaarka madaarka), waxaana halkaa ka dhacday tacshiirado rasaas ah, iyadoo uu iska hor-imaadkaasi dhexmaray laba kooxood oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa.

Alla ha u naxariistee labada marxuum ee kala ah Cabdi Cali Liibaan iyo Khadar Maxamuud Siciid ayaa qul-qulatada halkaa ka dhacday ku geeriyadooday, ka dib marka sida ay dad goob joog ahi sheegeen ay labadaa nin haleeshay rasaas lagu soo riday. Sidoo kale waxa dadka halkaa ku dhaawacmay ka mid ah Ibraahin Muxumed Gahayr oo hadda lagu dawaynayo cusbataalka Hargeysa. Laakiin qofka labaad ee rabshaddaa ku dhaawacmay ilaa hadda lama ogaan magaciisa.

Rabshadaha halkaa ka dhacay waxa ka hawl-galay ciidamada booliska iyo maamulka magaalada Hargeysa, waxaana arintaa loo xidh-xidhay tiro dad ah, laakiin qaar ka mid ah saraakiisha booliska oo aanu waydiinay tirada dadka ah ee iska hor-imaadkaa loo xidh-xidhay ayaa ka gaabsaday inay tafaasiil ka bixiyaan. 

Taliyaha saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa oo ay xalay fiidkii la kulmeen weriyayaal Haatuf ka tirsan, kuwaas oo wax ka waydiiyey inta ay yihiin dadka loo xidh-xidhay dhacdadaa ayaa ka gaabsaday inuu wax war ah ka bixiyo. Hase yeeshee taliyaha ciidanka baadhista dembiyada (C.I.D), Daahir Muuse Abraar oo aanu isna arintan wax ka waydiinay ayaa cadeeyey inay rabshadaasi ka bilaabatay iska hor-imaad dhul, isaga oo intaa ku daray inay rabshadahaasi ka bilaanmeen iska hor-imaad dhul, laakiin taliyaha C.I.D-du wuxuu sheegay inay wixii tafaasiil ah ee intaa dheer dib ka bixin doonaan, iyadoo uu taliyaha C.I.D-du sheegay inay hadda ku gada jiraan baadhis la xidhiidha sidii ay rabshadahaasi u dhaceen iyo cidda ka qayb qaadatay.

Top


Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Mamnuucay Bixinta Dhulka Sharci-Darrada Ah

"Iska horimaadyada dhulku waa kuwa nabadgelyo darrada ugu daran keena"

Harg (Haatuf): Wasiirka Arrimaha Gudaha ee somaliland Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo dhisashada iyo bixinta dhulka sharci-darrada ah.

Wareegtadan oo uu wasiirku ku socodsiiyay guddoomiyeyaasha gobollada, mayorada magaalooyinka iyo taliyaha ciidanka Booliska, isla markan uu ogaysiiyay taliyaha ciidanka Qaranka iyo Madaxweynaha somaliland waxa uu ku sheegay in arrintani ay ka dambaysay markii mashaakilka dhulku uu batay isla markaana uu noqday carqaladda ugu weyn ee halista ku haysa nabadgelyada dalka.

Wareegtada wasiirkuna iyadoo dhammaystiran waxay u qornayd sidan:
"Waxa beryahan dambe soo if-baxay dhibaatooyin fara badan oo la xidhiidha isku-qabsiga dhulka, kaas oo sababay dhibaatooyin gaadha ilaa heer dil, dhibaatooyinkaas oo noqday qaar joogto ah.
Sidaas awgeed, si looga taxaddiro loona ilaaliyo nabadgelyada, waxaan soo saaray dikreetadan soo socota:

  • Markaan arkay: wareegtada Madaxweynaha JSL ee lambarkeedu yahay JSL/M/WAG/224/89/62002, kuna saabsanayd in dhulku xidhan yahay.

  • Markaan arkray: in dhulku yahay sidiisa hawlaha u badan ee jaah-wareeriyay ciidanka Booliska iyo Qaranka oo laga qaban kari waayay hawl-maalmeedkii arrimaha bulshada nabadgelyo darteed.

  • Markaan arkay: dhibaatooyinka joogtada ah ee dhulka ka taagan.

  • Markaan 

  • arkay: in mas’uuliyiinta dawladaha hoose meel kastaba ha joogaane ay aad ugu liitaan arrimaha dhulka go’aan la’aan darteed.

  • Markaan arkay: in dawladaha hoose caddaysteen inay bixiyaan meelaha waddooyinka iyo danaha guud, iyaga oo aan tixgelin arrimaha loogu talogalay danaha guud.

  • Markaan arkay: in cid waliba ka faa’iidaysanayso waqtiga kala guurka ah ee gaaban kana hadhsan muddada doorashooyinka Madaxda dawladaha hoose, taasi oo u muuqata in wax kasta loo maamulayo si ka baxsan nidaamkii loogu talogalay.

  • Markaan arkay: inay nabadgelyo-darrada dalkan ka jirta ay tahay dhulka oo keliya oo had iyo jeer lagu dhinto ama lagu dhaawacmo.

  • Markaan arkay: in arrimaha foosha xun ee dhulka ka taagani maanta ay halis gelinayso qaranimada sidii Burco ka dhacday oo kale ee afarta qof ay ku dhinteen bishii November 2002.

  • Markaan tixgeliyay: derseyna kana baaraan-degay dhammaan arrimaha kor ku xusan kalana tashaday Madaxweynaha JSL, taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaan go’aamiyay dhulku inuu xidhan yahay ilaa amar dambe inta ay dhammaanayso doorashooyinka dalkan ka dhici doonaa oo kala ah:

  1. Doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka JSL.

  2. Doorashooyinka golaha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada).

Sidaas darteed, waxaan farayaa guddoomiyeyaasha gobollada, maayorada degmooyinka dawladaha hoose in la fuliyo amarkan, sidoo kale taliyaha ciidanka booliska JSL, waxaan farayaa inu tallaabo sharci ah ka qaado wax allale wixii dhisanaaya dhul sharci-darro ah, in la soo xidho haddii lagu arko farsamo yaqaanada dawladaha hoose iyagoo dhul cabiraaya, jeexaya ama fasaxaya.

Top


Wararka Dibadda 

Xisbu-Lah Oo Gantaalo Ku Weeraray Waqooyiga Israa’iil

Qudus (W.Wararka) - Ururka Xisbullah oo ka dagaalama koonfurta Lubnaan ayaa malintii shalay gantaalo ku garaacay goobo ka tirsan Isra’il, gaar ahaan beeralayda Shabca. 

Xisbullah oo garaacistan u adeegsaday sawaariikh iyo madaafiicda riddada dheer waxa uu la eegtay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Isra’il, balse lama sheegin wax khasaare ah oo halkaa ka dhacay, balse waxa lagu soo warramay in ciidamada Isra’il oo adeegsanaya Diyaaradaha Helicopter-ta ay bilaabeen inay ka aar-goostaan gantaalah uu ku soo ganay ururka Xisbullah.

Waa markii ugu horraysay ee ururka Xisbullah uu gantaalo la beegsado goobo ka tirsan Isra’il tan iyo bishii August ee tagtay, markaasoo ay Saddex Isra’iliyiin ahi ku dhinteen gantaalo uu soo riday Xisbullah, taas oo ku kelliftay Dawladda Isra’il inay xidho xuduuda ay la leedahay Lubnaan.

Dawladda Isra’il ayaa muddo 22 sannadood ah xoog ku haysatay koonfurta Lubnaan oo ay akhirkii ka baxday sannadkii 2000. balse ururka Xisbullah muu joojinin weerarada uu ku hayo Isra’il, isaga oo ugu hiilinaya dadka Falastiiniyiinta ah ee ay Isra’il haysato.

Top


Askari Maraykan Ah Oo Lagu Dilay Dalka Kuwait

Kuwait (W.Wararka) - Askari ka tirsan ciidamada Maraykanka ee ku sugan Kuwayt ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay markii weerar lagu qaaday saldhig ay ciidamada Maraykanku deggan yihiin oo ku dhow caasimadda dalkaas.

Weerarkan oo lagu qaaday gaadhi ay wateen ciidamada Maraykanku waxa la sheegay in dablay hubaysani ay rasaas ooda kaga qaadeen, kuwaas oo aan ilaa iyo hadda haybtooda la garan. War ka soo baxay safaaradda uu Maraykanku ku leeyahay Kuwayt ayaa sheegtay in askariga la dilay uu ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Maraykanka (Pentagon) kaas oo ku dhintay rasaasta ay dablaydu riday, iyadoo askariga dhaawacmayna oo xaaladdiisu ay halis tahay lagu daweynayo dhakhtarka militeriga ee Kuwayt.

Dawladda Maraykanka ayaa ciidamo gaadhaya 16 kun oo askari isugu keentay Kuwayt, iyadoo u diyaar-garoobaysa weerar ay ku qaado Ciraaq, weerarkana maaha kii ugu horreeyay ee lagu qaado ciidamada Maraykanka ee deggan Kuwayt, balse waxa ka horreeyay weeraro dhawr ah oo loo geystay tan iyo bishii October ee ina dhaaftay, taas oo keentay in Dawladda Kuwayt ay samayso goobo iyo seerayaal u xidhan militeriga oo qudha.

Top


Booliska Ingiriiska Oo Sii Wada Go’doomintii Masaajidka Ku Yaalla London

London (W.Wararka) - Ciidamada booliiska ee Ingiriiska oo weerar ku qaaday masaajid ku yaala magaalada London maalintii dorraad ayaa weli sii wada go’doomintii ay ku hayeen masaajidkaasi oo ay sheegeen in ay ku dhuumanayaan xubno Argagixiso ahi, waxaanay ciidamada booliisku sheegeen inay masaajidkaas markii ay baadheen ka heleen hub kala duwan iyo qoraalo muhiim ah. Waxa kale oo ay sheegeen in ay ka heleen waraaqo iyo baasabooro kala duwan oo foljari ama been-abuur ah. Dadka ay sheegeen booliisku inay qabteen waxa ka mid ah Cali Abu Xamsa oo dhalashadiisu tahay Masar iyo laba xubnood oo kale oo lagu tuhunsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin kooxo argagixiso ah.

Weerarkan ay ciidamada boolisku ku qaadeen masaajidkaas Green Goddesses waxay ka dambaysay markii waqooyiga London laga helay qalab uu ku jiro sunta halista ahi, waxaana oggolaanshiiyaha weerarkan lagu qaaday masaajidka bixiyay Wasiirka arrimaha gudaha ee Ingiriiska.

Waxa uu warku inta ku daray in dadweyne cadhaysan oo ka soo horjeeda weerarka lagu qaaday masajidkaasi ay ka horyimaadeen ciidamada Booliiska iyagoo ku dhawaaqaya erayo ay ku taageersan yihiin Usaama bin Laden iyo Madaxweynaha dalka Ciraaq Sadam Xuseen.

Top


Shir U Furmay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ee Afrika

Pretoria (W.Wararka) - Shir ay ku kulmeen wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka xubnaha ah ururka Midowga Afrika ayaa ka furmay dalka Koonfur Afrika, iyaga oo u gogol-xaadhaya shir-madaxeed aan caadi ahayn oo lagu wado inay Madaxda Afrika isugu yimaadaan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa horraanta bisha February ee soo socota.

Muddada u shirku u socdo wasiirada Arrimaha Dibedda waxa ay kaga wada hadli doonaan waxyaabaha ka dhiman xeerarka loo samaynayo ururka cusub ee lagu midaynayo qaaradda Afrika oo ay ka mid tahay wax ka beddel lagu samaynayo axdiga midaynta Afrika oo beddelaya ururkii hore ee OAU.

Sida ay sheegeen wararka ka imanaya Koonfur Afrika isbeddelada lagu samaynayo xeerarka ururka waxa badankooda soo jeediyay dalka Liibiya oo isagu leh hindasaha aas-aaska ururkan cusub.

Dawladaha shirkan ka qaybgelaya oo kala ah Aljeeriya, Burundi, Jaadh, Itoobiya, Gini, Gaana, Lisooto, Liibiya, Maali, Musambiik, Nayjeeriya, Ruwaanda, Sinigaal, Tansaniya, Tuunis, Sambiya iyo Simbaabwi waxa lagu wadaa inay seeska u dhigaan hirgelinta xeerarka iyo qorshayaasha si buuxda loogu guurayo ururkan cusub ee Midowga Afrika.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay Muuse Shoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 72aad

Mingistu: Markii aanu u qaybsanay qolo aniga I taageersan iyo qolo fekradii aan soo jeediyey ka soo horjeeda ayaanu kala jabnay, isla markaana colaadii ayaa sii balaadhatay, sidoo kalena inay damacsanaayeen inay qalalaase sameeyaan way iska cadaatay, waayo kooxda Alamaayahu waxay diyaar u ahaayeen inay seefta nagu gooyaan, laakiin anaguna markii aanu aragnay inay duulaan nagu soo yihiin ayaa si aanu isu difaacno waxay arini noqotay inaanu u sii diyaar garowno wax kasta oo dhici kara.

Markii aanu kala jabnay kooxda Alamaayahu way iska kaaya ilaalinayeen, anaguna sidoo kale waanu iska ilaalinaynay. Tusaale ahaan beryihii hore ee xiliyadii dhexe waanu iska daynay hub soo qaadashada, laakiin waayadii dambe waxa bilaabmay in madasha shirka hub lala soo galo, taasina waxay keentay inay xasilooni dari iyo cabsiyi bilaabato, laakiin su’aasha meesha timi waxay noqotay yaa ku horaynaya dagaalka. Hase yeeshee markii uu xaalku halkaa marayey ayaanu is nidhi sida ay doonto ha u dhacdee aynu qaybta ammaanka qaabilsan arinta u gudbino, ka dibna waxaanu qaybta ammaanka u gudbinay liisto magacyo ah, sidoo kalena waxaanu gudbinay qaybta ammaanka qoraal aanu leenahay yaa hebel iyo hebel dabagal halagu sameeyo iyo hebel iyo hebel waa dhankayaga, hebel iyo hebel-na waa dhinacooda.

Xiligaa wax yar ka hor gaashaanle Alamaayahu waxa uu ahaan jiray taliyaha xafiiska qaabilsan ololaha horumarinta, laakiin xiliga uu xafiiskaa madaxda ka ahaa kama uu mid ahayn golaha dhergiga, hase yeeshee markii aanu baadhitaan ku samaynay waxaanu aragnay Alamaayahu inaanu daacad u ahayn kacaanka iyo hawlaha golaha dhergiga. Tusaale ahaan dhinaca ardayda iyo dhinaca siyaasadda hawlihii aanu xisbi ahaan qaban lahayn ayaa Alamaayahu qancin waayey, isla markaana dhibaatooyinkii dhacayey sida ku haboon loo xalili waayey, taasina waxay sababtay inaanu ardayda colaad la galno. Sidaa darteed qof firfircooni leh oo aamin ah, isla markaana siyaasadaha aanu wadno ee kacaanka sida ay tahay ama looga baahan yahay u hirgelin kara ayaanu u baahanahay, iyadoo qofka caynkaas ah looga baahan yahay inuu noqdo qof ardayda si degan wax u fahamsiin kara, isla markaana ardayda ku qanciya inay dhinacayaga yimaadaan (na taageeraan), sidaa darteed Taliye Unug Fiqra Salaase ayaanu u magacownay xafiiska ololaha horumarinta guud. Laakiin Fiqra Salaase waxa ku badnayn hawsha, sidaa darteedna waxa ku yaraa haleeltiinka, taasina waxay keentay inuu Fiqra Salaase noo yimaado uun marka ay jiraan shirar muhim ahi oo keliya. Sidaa darteed maalintaa uu khilaafku nagu dhex-oogmay Fiqra Salaase wuu yimi madaxtooyada si uu shirka uga qayb galo, laakiin Fiqra Salaase liistadii magacyada ee aanu u gudbinay qaybta ammaanka labadayada dhinac ee iska soo horjeeda dhinacna magaciisu kuma jirin, ka dibna askartii wax laynaysay markii ay yimaadeen ee ay qaateen magacyadii ayey magacii fiqra Salaase ka waayeen dadkii aniga I raacsanaa, dabadeedna askartii markii ay magaciisa ka waayeen qaybtii aniga I raacsanayd ayey Fiqra Salaase ku rideen dabaqii hoose ee lagu xidh-xidhay qoladii la laynayey, laakiin Faqra salaase waa la bad-baadiyey, balse run ahaantii aniga muu ahayn ninkii bad-baadiyey Fiqra Salaase ee wuxuu ahaa kornayl Daaniyal, waayo kornayl Daaniyal labada qoloba waxa uu ka baadhay magaciisa, wuuna ka waayey, ka dibna markii magaciisa meelna ka waayey ayuu kornayl Daaniyal isaga oo cararayay noo yimi, ka dibna wuxuu yidhi "Fiqra Salaase dhinacee ayuu raacsanaa", ka dibna waxaan ku idhi "Waayo maxaa dhacay dee dhinacayaga ayuu ahaa". Dabadeedna wuxuu yidhi "Hadaa qalad ayaa halkan (Qolka xadhiga) loogu daray", ka dibna kornayl Daaniyal intuu cararay ayuu soo daayey Fiqra Salaase.

Kornayl Daaniyal waxa uu ahaa nin caqli leh oo indheergarad ah , sidaa darteed markii uu magaca Fiqra Salaase ka waayey liistadii labada dhinac hadii aanu iman oo I waydiin ee uu iska aamusi lahaa way u dhammaan lahayd Fiqra Salaase.

Waxa jiray nin la odhan jiray gaashaanle Yuhanis oo ka dhex shaqayn jiray nabad-sugidda, laakiin waxa uu ka tirsanaa IHABA, laakiin Yuhanis waxa uu laayey rag dhinacayaga ka tirsanaa oo la kala odhan jiray Dr. Sanaayi Likeen iyo Kornayl Daaniyal, sidoo kale anaguna waxaanu dhinacooda ka laynay Janaral Tafari Baanti, Kabtan Alamaayahu Xayle, Kabtan Tafarra Danaqe iyo xidigle Xayle balaay iyo rag kale, iyadoo guud ahaan marka la iskuwa da daro ragga aanu dhinacooda ka laynay ay tiradoodu gaadhayso 7 qof. Laakiin waxa kale oo jiray nin kale oo mar dambe la dilay, ninkaas oo xubin ka ahaa golaha dhergiga waxa uu ka tirsanaa IHABA-da, isla markaana waxa uu ka mid ahaa kuwa doonayey inay na laayaan ee mucaaradka taageersaana, balse xiligaa waxa uu ku maqnaa hawl-gal galbeedku Afrika loogu diray, dabadeedna isaga oo aan waxba ogayn ayuu si kedis ah u soo laabtay, dabadeedna waa la khaarajiyey.

Ganat: Kuwaa aad layseen ma kuwii aad tidhi baa "iyaga oo doonaya inay qado naga dhigtaan ayaanu ku quraacaynay" miyaa?

Mingistu: Kuwaa hadii aanaan kaga horayn (laynta) anaga ayaa meeshooda geli lahayn (nala layn lahaa)... 

La soco cadadka dambe.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Waa In Barnaamijyada TV-Ga Si Fiican Loo Tifaftiro

Anaga oo ka mid ah dadka sida aadka ah u daawada Telefishinka Hargeysa ayaanu door-bidnay inaanu ra’yi ka dhiibano sida aanu u aragno barnaamijyada uu soo bandhigo qaar ka mid ah, gaar ahaan barnaamijkii fanka iyo suugaanta ee uuu Tv-gu baahiyey maalmihii ina dhaafay qaarkood. Kuwaas oo aanu qaar ka mid ah saluugnay aragti ahaan, iyadoo habeen habeenada ka mid ah ereyo aan laaqi ahayni ay ka soo baxayeen qaar ka mid ah dadkii martida u ahaa barnaamijkaa, waxaana dadkaa ka mid ahaa nin la waraysanayey oo ka sheekaynayey gabayadii ay qabaayilku isu tirin jireen, isaga oo ninkaasi tilmaami ka bixinayey iska hor-imaadyadii beelaha dhexdooda ka dhici jiray xiliyadii hore. 

Run ahaantii anagu aragti ahaan weedhahaa maanu jeclaysan, iyadoo aanu u aragno in warbaahinta looga baahan yahay in barnaamijyada ay faafinayaan ka reebaan wixii wasakh ah ee aan indhaha dadka u wanaagsanayn maadaama ay warbaahintu tahay muraayad waajibka saarani yahay inay wixii wanaag ah faafiso, xumaantana suuliso.

Ta kale barnaamijyada la faafinayo waxaanu u aragnaa in mar walba la kala hufo ama la kala shaandeeyo inta aanay indhaha dadweynaha hortegin, sidaa darteed laga reebo wixii aan anshaxoodu wanaagsanayn ama xumaan ku beeri kara dareenka mujtamaca.

Hadaba TV-ga Madaxa banaan ee Hargeysa oo aanu ka mid nahay daawadayaashiisa waxaanu talo ahaan u soo jeedinaynaa inuu sida ugu fiican u kala shaandheeyo barnaamijyada uu faafinayo, sidaa darteedna uu barnaamijyada uu gudbinayaa ay mar walba noqdaan kuwo wax tar u leh u bulshada. Tusaale ahaan barnaamijkii fanka iyo suugaanta ee nagu kelifay inaanu aragtidan ka dhiibano wuxuu anaga noogu muuqday mid ay fariintiisu inta badan xanbaarsanayd weedho qalafsan oo aanu dhadhankoodu nala wanaagsanayn, taa macneheedu ma aha inaanu diidanahay barnaamijka fanka iyo suugaanta, laakiin waxaanu saluugnay anshaxa weedhaha uu ku tiraabayey ninka barnaamijkaa martida u ahaa, sidaa awgeed waxaanu ugu dambayn leenahay waa in shaashadda lagala tacaala wixii wasakh ah, laguna dedaalaa nadiifteeda.

Maxamed Ibraahin Sabban, Mawliid Cabdi Cilmi iyo Cawil Faarax Warsame.

Top


Maxaa Laga Dooranayay G/Deegaanka Haddii...?

Waxa loo qaatay doorashadii dawladaha hoose ee dalka ka dhacday 15/12/02 mid dimuqraadiyad ah oo cidda ku soo baxdaa ay dhexdooda ka dooranayaan cida noqon lahayd maayar iyo maayar ku xigeen. Hase yeeshee, waxaanu arkaynaa inaanay tii hore ka taganayn kol haddii maalin walba uu u yeedhayo wasiirka daakhiligu isagoo leh waxaad codka siisaan hebel, taas oo aan ka taganayn dawladda hoose ee hadda xilka haysa ee uu wasiirka daakhiligu sida uu doono ula dhaqmo, ama sida dantiisu ku jirto. Dib u dhigaa mar saddexaad dib loo dhigay shaki wayn ayay galisay umadda, doorashadda soo socota ee madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dadku aad ayuu uga shaki qabaa maadaama uu wasiirka daakhiligu weli faraha kula jiro arrimaha dawladaha hoose.

Haddaba waxay isweydiintu tahay maxaa loo dooranayay dawladaha hoose haddii aanay si dimuqraadiyad ah iyagu isaga dhex xulayn cidii ku soo baxaysa maayar ama ku xigeenkiisa.

X. Ismaaciil Cismaan Bakayle
Hargeysa

Top


Kumaa U Qalma Duqa Hargeysa?

Markaan arkay maqaal ku soo baxay Jamhuuriya oo ka hadlaayay yaa ugu mudan Maayarnimo sheeganay ninka ay isaga la toosnayd in laga dhigo.

Haddaba anigoo waayo aragnimo dheer u leh mid dabadeed iyo mid dalba markaan arkay marxaladuu dalku marayo khaasatan bilicda iyo qorshaha Hargeysa oo ah Caasimadii dalka markaan eegay liiska golaha deegaanka cida aan is leeyahay shakhsiyadeeda iyo mid aqooneedba, wuu ugu mudan yahay bulshaduna aqoon u leedahay fulintiisa xaga kartida iyo qorshaha waxay ila tahay in ku mudan yahay Eng: Maxamed Xuseen Jiciir (Guray).

Markaa waxaan leeyahay iyada oo ay tahay arrin culus masuuliyadaas qodxa badani ku jiraan dawladda hoose gudaheeda inay tahay cida kaliya ee haddii lala shaqeeyo ka saari karta baylahda magaalada uu yahay Eng: Guray.

Maxamuud Dhamac (Dhiliye)
Hargeysa 

Top


Falaadhi Gil-Gilasho Kaagama Go’do

Anigoo ah muwaadin Somalilander ah waxaan akhriyay wargeyska Haatuf cadadkiisii 250 soona baxay January 20, 03 Isniin, ciwaankeeduna ahaa "Dhulbahante, wuxuu aaminsanyahay Somaliland, Majeerteeniya, iyo Soomaali Weyn" uuna qoray taliyaha aaga 7aad ee ciidanka qaranka Somaliland (Laas-caanood).

Haddaba hadaan wax ka idhaahdo firkradaha iyo qodobada ku qornaa maqaalkaasi waxaa marka hore isweydiin leh arrintan uu maanta soo gudbiyay taliyaha aaga 7aad ee ciidanka qaranka Somaliland muxuu mar hore uga hadli waayay fikradaha gobolka Sool ka jira?

Maadaama uu in badan ka tirsanaa madaxda gobolka Sool ee ciidanka qaranka, kana mid ahaa ragga ugu cad cad dhinaca maamulka Somaliland ee ka hawl galay gobolkaasi Sool, waayo taliyahan maanta ka hadlayaa sida Dhulbahante loo soo kala dhawaynayo oo qaarna in tuumbo malaba afka loo galiyo qaarna la faquuqo, waxa maanta afkiisa ka keenay.

Balse taliyahani ma is ogyahay inuu yahay ragga gobolka Sool maamulka Somaliland u qaabilsan dhinaca ciidanka qaranka dhawr sanana uu tuumbo malaba afkiisa ku nuugayay wax uu gobolka sool iyo xukuumada Somaliland labadoodaba u qabtay oo maanta muuqdana aanay jirinba.

Taliye intaadan adigu cid kale arrinkooda ka hadlin marka hore adigu ka waran wax qabadka ciidankaaga, arrintii Laas-caanood ka dhacday lagu sameeyay weftigii balaadhnaa way ka dheregsan tahay bulsha weynta Somaliland dhaliisheedana adiga ayaa u horeeya ragga ka masuulka ah, maadaama adigu aad masuul ka ahayd aagaasi, Laas-caanood muxuu ka qabtay ciidankaagu duulaankii Majeerteeniya soo qaaday? Oo maalintaa ciidankaagu xagee ka hawl galay amaba ku sugnaa?

Haddaba taliye arrinka Dhulbahante ka hadalkiisa adiga kuguma haboona waayo Dhulbahante Deegaan iyo dhaqanba waa Somaliland balse tabasho ayay ka tirsanayaan maamulka Somaliland, kolkaasi beesha Dhulbahante tabashadeeda xaq ayay u leedahay, shacabka iyo xukuumadda Somaliland waa u jid bixiye markay waqtigeeda noqotana waxay Somaliland xaq ugu leeyihiiin cidna u daba fadhiisan maayaan in waxaana arrintaasi ka hadli kara garaadada iyo suldaanada gobolka Sool (Laas-caanood) taliye arrinkaagu wuxuu u egyahay falaadhi gilgilasho kaagama ba’do.

Haddaba waxaan soo dhawaynaynaa oo rabnaa in shacabka Dhulbahante walaalahooda Somaliland wax la qabsadaan. Waxay tabanayaana cadeeyaan soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa (Xalaal iftiin baa la qashaa)

Maxamed Cismaan (Budh-Cad)
Hargeysa

Top


Maxaa Keenay Dib-U-Dhigga Fadhiga G/Deegaanka Hargeysa

Tiroba laba jeer ayaa dib loo dhigay doorashadii Golaha Deegaaanka ee Hargeysa, iyadoo markii hore ahayd 21 Jaanuary, markii danbana laga dhigay 23, markii sadexaadna loo bedelay bisha February 3deeda.

Isbedelkaa ugu danbeeyey ee Agaasimaha Wasaarada Arimaha Guduhu soo saaray ma lahayn wax tafaasiil ah oo raacsan dib-udhigista doorashada Golaha Deegaanka ee Hargeysa. Waxaase dadka qaar u nisbaynayaan arintaa in dawladu fara xun arinta kula jirto oo ay qof gaar ah u ololaynayso, iyadoon sidii cadada u ahayd marnaba dadka xilalka dawladnimo qabanaya loo eegayn aqoontooda, xilkasnimadooda, daacadnimadooda iyo hufnaantooda midna.

Waxaa mar walba dawladnimadeena ragaadiya iyadddon dhinacyo badan laga eegayn qofka xil doorka loo dhiibayo. Taasina waxay ina dhaxalsiisay inana dhaxalsiin doontaa dib-udhac joogto ah. Haddaynu maanta ka soo baxanay doorashadii waynayd ee Dawlada Hoose ee dadku sida fiican ugu soo baxeen codkoodana uga dhiibteen, maxaa keenay inay dawladu carqlad ku noqoto geedi-socodka dimuqraadiyada ee iminkuun bilaabmay? Haddise sida la sheegayaa dhab tahay oo ay dawladu nin jecalaysi wado, kana soo hor jeedo codaynta dimuqraadiga ah, sidaynu ugu aaminayaa inay maamusho doorasho madaxwynenimo iyo baarlamaan oo intaas ka baaxad weyn?

Waxa ku haboon dawlada inay halka ay kaga mashquushay horjoogsiga dimuqraadiyada xalaasha ah ama qofkane ma reer hebel mise waa reer hebel, ay u dayso in dadku la soo baxo qofka ay dooranayaan. Waxaa mudan in lasys xasuusiyo, in shalay fadhigii Golaha Wasiirada, Marwo Adna Adan noqotay Wasiirkii u horeeyey ee si xilkasnimo ah uga soo baxay xilkiisa markay u soo jeedisay Golaha waxii u qabsoomay wasaaradeeda intii ay joogtay, waxa u qorshaysan iyo inay xisaab celin keentay. Haddi aynu toban Adna oo kale haysan lahayn, waxaa hubaal ah inaynu meel dheer gaadhi lahayn. Illahay hayna garansiiyo sidaynu dalkeena dadkiisa wax u qabanaya ugu raadin lahayn, ugana ilaalin lahayn kuwa laasimay fadhataysigiisa. 

Saeed Axmed

Top


Talo Waayeel

Waqtigan aynu galnay oo aad u xasaas ah isla markaa dadku ay mashquul ku yihiin arrimaha taagan oo ay ka mid tahay arrimaha doorashada ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu dooran doono, ayaa ah arrin ay joornaalada iyo tilifishanku ay sii daayaan, aaraahda dadka oo ah kuwo kala duwan hadal nin si u yidhi nina si u qaaday.

Waxaan aad u diiday maqaal jawaab ah oo Muuse Biixi uu ku soo qoray wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii 1917 axad 12/01/03 kaasi oo ah dib ugu noqosho waqti la soo dhaafay lagana heshiiyay, dagaal walba nabad ayaa ka dambaysa, dhamaan arrimahaasi oo dhan waxaan uga gudubnay dawladnimo iyo walaalnimo lagu walaaloobo calanka somaliland, mana aha in dib loo noqdo oo la fadh fadho wax laga heshiiyay dhidar xabaalo qoday qudhun buu uga dhaadhacaa. Malaha Muuse banka bohol kama dayin, Sagaaro bad ku kaadiday ma nijaasayso.

Muskaba maskama dayin, sawtan maqaal kale oo kii Muuse ka daran ayaa isna la soo xardhay oo ku soo baxay Jamhuuriya oo jawaab Muuse u ah.

Haddaba aniga oo ah hooyo reer somaliland ah waxaan kula talinayaa inamada siyaasad baradka ah inayna kaanbayn ku galin dhibaatooyinka ay noo gaysteen oo kanuu ahaa iyo kanuu ahaada ha naga daayaan, waayo dhibaatadu waxay ku dhacdaa hooyooyinka iyo ubadkooda oo ah kuwa ugu nugul ee dagaaladu qixiyaan ee bacadka daalka iyo gaajada kabahu kaga idlaadeen.

Marka siyaasiyiintu fooda is daraan ee ay kursi sida kubada isu herdiyaan. Hooyo nabad baa caano macaan. Af xumi nabadna wuu kaa fogeeyaa dagaalna wax kama taro, ee ciyaarta doorashada ha la qurxiyo.

Arrinatani waxay cadaynaysaa carruurnimada siyaasiyiinta qaarkood.
Sidaasi uun baanu u qaadanay wixii ka soo yeedhay nin yarina intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa, waxaan kula talinayaa raga talada dalka haya meel kasta oo ay joogaanba inay dhanka fiican ka joogsadaan waxkasta oo yimaada.

Caasha Muuse (Caasha Baar)
Gebilay

Top


CIYAARAHA

"Waxaan Ugu Soo Biiray Inter In Aan Ku Guulaysto Horyaalnimada (The Scudetto) Anigoo Xidhan Shaadhka Inter Milan"

Xidigga Gabriel Cumar Batistuta

Milan (Inter.It): Weerayahanka reer Arjantiin Gabriel Omer Batistuta ayaa u soo wareegaya kooxda inter Milan ee talyaaniga; kadib markii uu ka soo wareegay kooxda As Roma oo markii ugu dambaysay uu u ciyaari jiray, balse aan baryahan dambe ka muuqan ciyaaraha ay kooxdaasi ciyaarayso badiyaaba, isagoo uga soo wareegay kooxda inter heshiis amaaheed oo ay wada gadheen labada kooxood xidigan Batistuta oo habeen hore yimid magaalada Milan oo kooxda inter fadhigeedu yahay; waxa uu sheegay inuu u yimid kooxdan si uu ugu guulaysto horyaalka (scudetto), waxanu yidhi "Waxa aan ku imid inter fikrada ah in aan ku guulaysto (scudetto). Waana shayga keliya ee aan imika ka fekerayo sidii aan u xaqiijin lahaa."

Shirjaraa’id oo uu ku qabtay xarunta caasimadda ah ee Milan shalay duhurkii, waxa uu kaga waramay arrimo dhawr ah oo ku saabsan u soo wareegistiisan kooxda inter iyo arrimo kale oo badan. Balse, ugu horeyn gudoomiye ku xigeenka kooxda Inter Milan, Giacinto Facchetti, ayaa isagu ka waramay sida uu ugu soo wareegay Batistuta, waxaanu yidhi; "Kadib dhaawacii soo gaadhay ciyaartoyga Hernan Crespo ciyaartii aanu la yeelanay kooxda Modena, waxa daruuri noqotay in aanu helno bedelkiisii, waxaanu noqday Batistuta. Waad aragteen soo dhaweynta weyn ee ay muujiyeen dadku, una soo dhaweeyeen. Gudoomiyaha Inter laftiisu aad buu u soo dhaweeyay in loo yeedho Batistuta, xataa tababare Cuper waxa uu ka bixiyay jawaab wanaagsan. Sidoo kale Batistuta laftiisa soo dhaweyntiisu waxay keentay inuu aqbalo inuu ku yimaado Inter in ka yar dheeftii uu ka heli jiray kooxda Roma."

Xidiga reer Arjantiin ee Gabriel Omar Batistuta ayaa isaguna ka waramay sababaha keenay in uu u soo wareego kooxdan, waxaanu yidhi: "Si fudud ayaan u joogi karayay Roma, laakiin laba sababood ayaa isugu muqiiniyay in aan imaado Inter - fadhiga aan fadhiyay baarkiinka (reserve), may raali gelinayn taageerayaashayda intaa in ka badan, igamanay aqbalayn in aan ku sii jiro xaaladdaa. Laakiin taasi ma ahayn mid muqadas igu ah. Waayo, haddii cid kale oo ka mida kooxda inter ii fidin lahaayeen heshiis, waan iska joogi lahaa Roma. Waxaa la ii fidiyay heshiisyo kale, balse maan aqbalin oo waan diiday."

Batistuta, isagoo hadalkiisa sii wata oo ka hadlaya arrintan, waxaa uu yidhi: "Dabadeed, waxa ii yimid codsiga Inter iyo Guddoomiyaha Inter Moratti, waxaanan eegay oo aan is idhi in imaanshaha Inter ay ii keeni karto in aan ku guulaysto horyaalnimada aniga oo xidhan shaadhka Inter."

"Kooxda Inter waa koox dayaalyahano ah, waana koox run ah oo jirta, waxaanay muujiyeen in ay ku dagaalami karaan hanashada Horyaallada. Marar badan ayaa ku dhawaa in aan imaado Inter, laakiin imika ayay ii suurto gashay in aan imaado, waxaana muujin doonaain aanay habsan ahayn imaanshahaygu," ayuu raaciyay isagoo ka hadlayay kooxda inter iyo sida uu ugu hanweynaa inuu hore u yimaado.

"Ciyaartaydii iigu dambaysay ee aan kaga horimaado Kooxda Inter Milan, waxa aan ka dhaliyay kubad aan dhigay koonaha sare ee goolka," ayuu ku daray.

Gabriel Batistuta, waxa uu aad ugu mahadceliyay oo uu sheegay inuu xusuusan yahay saaxiibadisii uu kaga yimid Roma, siiba kuwa sida wanaagsan ula dhaqmi jiray, waxaanu isagoo taasi tilmaamaya; "Waxaan doorbidayaa oo aan jecelahay in aan xusuusto saaxiibadayda sida wanaagsan iila dhaqmi jiray - waxa ay ahaayeen qaar aan igu buuqin - sida kuwa iyagu sida aan wanaagsanayn ii xukumay. Waxa laga yaabaa in ay da’daydu weynaatay, laakiin weli waxaan hayaa macnawiyadii qof aad u da’ yar oo kale, waxaana tusaale u ah go’aanka aan ugu soo wareegay oo ah mid xamaasad aan u hayo. Waxaanan filayaa wakhtigan xaadirka ah in aan toddobaadkiiba ciyaari karo laba ciyaarood. Ilaa iyo markii uu ii yeedhay Guddoomiye Moratti, wax kale kamaan fekerayn, keliya waxa aan ka fekerayay kooxda Inter iyo waxa ay higsanayso. Waxa cad in ay Inter ku jiraan dad weli fahmaya waxay tahay kubadda cagtu, waxaanan ku dedaali doonaa sidii aan uga shaqayn lahaa in aanu ku guulaysano wixii aanu hiigsanayno."

Batistuta, waxa uu shirkaa jaraa’id kaga hadlay, su’aalo ay weydiiyeen weriyayaashuna kaga jawaabay, warar ka hadlaya xidhiidhka isaga iyo Crespo la xidhiidha, isagoo taa ka jawaabayana waxa uu yidhi; "Xidhiidhka aniga iyo Crespo, labadayaduba waanu u wada ciyaarnay Xulka Wadankayaga ee Arjantiin, goolalna waanu u dhalinay labadayaduba. Balse tababaraha ayaa isagu midkaayaba ka kale ka hor keenay, waxaanay taasi noqotay sidii xaabo iyo dab. Had iyo jeer tababarka waanu wada qaadan jirnay, weligayana wax dhibaato ihi nama dhexmarin aniga iyo Crespo."

"Anigu ugamaan tegin xulka Arjantiin Crespo awgii, laakiin keliya waxa aan uga tegay anigoon doonaynin intaa in ka badan in aan u sii ciyaaro xulka," ayuu raaciyay Batistuta.

Gabriel Omar oo ka hadlayay ciyaartoyda Inter ee ay wada ciyaari doonaan, sida Vieri iyo Cannavaro oo kale, waxa uu yidhi; "Vieri waa ciyaaryahan weyn. Runtiina marka aad hesho ciyaartoyda waaweyn ee Vieri oo kale ah way fududaanaysaa in aad isfahamtaan oo waad la ciyaari kartaa. Sidoo kale, aad bay ii farxad gelisay in aan ka garab ciyaaro Cannavaro oo aanu horena iskaga hornimid ciyaaro kale, balse imika aanu isku dhinac u ciyaari doono. Kooxdu Inter-na, waa koox aad u adag gebi ahaanteedba. Waxaanse balanqaaday in aan u huro wax kasta oo awoodayda ah, sababtoo ah waxaan doonayaa in aan ku guulaysto horyaalnimada."

"Ma hayo wax dhaliil ah oo uu leeyahay tababare Cuper, wada hadalna wuu na dhexmaray, waxaanan isku dayayaa in aan ku dhawaado oo si wanaagsan u barto, iyadoo aanu horena kulamo ciyaareed iskaga hornimid markii aanu joognay Arjantiin, waxaanu wakhtigaa Cuper watay koox la yidhaa Hurracane, anna waxa aan u ciyaari jiray kooxda Boca. Anigu keliya waxa aan aqoon u leeyahay inuu yahay Cupter, tababare garanaya sida ugu wanaagsan ee koox loo maamulo." ayuu yidhi Gabriel Batistuta, isaga ka waramayay tababaraha kooxda Inter Cuper.

Top