notepad

Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 253 January 23, 2003

"Waxaanu Wada-Hadal La Yeellan Doonaa Xuseen Caydiid, Muuse Suudi Iyo RRA (Raxanweyn), Majeerteeniyana Miisaan Kuma Laha Qadiyadda Somaliland Iyo Soomaaliya"
Shir-Jaraa'id - Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Maamulka Gobolka Saaxil Oo Dhexdhexaadiyay Shirkadaha Caymiska Iyo Dad Baabuur Kala Soo Degay Dekedda Berbera Oo Muran Ka Dhex Aloosnaa

Shir Lagaga Hadlay Kor-U-Qaadida Cadaaladda Iyo Garsoorka

"Ma Jirin Wax Dhul Ah Oo Laygu Wareejiyay, Wasiirkuna Waxay Ahayd Inuu Masuuliyiinta Kala Saaro"

Maxay Ku Dambaysay Arrinta Saddexdii Mudane Ee Wakiillada Laga Saaray

Burco Iyo Ceerigaabo: Buuq Iyo Khilaaf Ka Taagan Golayaasha Deegaanka

Ku Simihii Maayarka Burco Oo La Xidhay Iyo Mudaharaad Ka Dhacay Burco

Jack Straw Iyo Collin Powel Oo Sida Wada-Jir Ah Uga Hadlay Arrinta Dalka Ciraaq

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Wakaaladda Biyaha Oo Buti Noqotay

IFTIINKA ISLAAMKA


"Waxaanu Wada-Hadal La Yeellan Doonaa Xuseen Caydiid, Muuse Suudi Iyo RRA (Raxanweyn), Majeerteeniyana Miisaan Kuma Laha Qadiyadda Somaliland Iyo Soomaaliya" - Shir-Jaraa'id - Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali-waraabe ayaa ka dayriyey xaaladda nabadgelyo ee Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay inuu dhinaca nabadgelyada muuqdo jawi werwer lihi, isla markaana waxa uu dawladda Somaliland ku tilmaamay inay xilkii ummadda kaga mashquushay ololaha siyaasadeed ee xisbigeeda UDUB.

Shirjaraa'id oo uu Faysal Cali Waraabe shalay ku qabtay hudheelka Hargeysa Club ayuu kaga hadlay arimo door ah oo la xidhiidha wacyiga siyaasadeed ee ay Somaliland ku sugan tahay waqtigan xaadirka ah, xaaladda bariga Somaliland, arimaha doorashada iyo waxyaalo kale oo la xidhiidha xaaladda nabadgelyo iyo maamul ee dalka, laakiin ugu horayn waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Dadka reer Somaliland waxa uu ku raaxaysanayey nabadgelyo, taas oo uu amaan badana ku helay, laakiin hadda waxaad moodaa inay nabadgelyadii dalku aad iyo aad u soo xumaanayso, taas oo ay mudooyinkan dalka ka dhaceen dhacdooyin aad iyo aad u xun oo laga murugoodo, laakiin waxaad moodaa inay dawladdu mashquul ku tahay ololaha UDUB". Hase yeeshee Faysal isaga oo tilmaamo ka bixinayaa waxyaalaha uu ka walaacsan yahay wuxuu xusay arimo ay ka mid yihiin ciidamada uu hogaaminayo ninka la yidhaahdo Cadde Muuse ee ay dirirtu ka dhaxayso C/laahi Yuusuf, kuwaas oo uu xukuumadda Somaliland ku dhaliilay joogitaankooda bariga Somaliland. "Kala daadsanaanteenu waxay dhiirigelisay inuu meelahaa ka faano C/laahi Yuusuf, isaga oo ku hanjabaya inuu dalkeena soo geli doono,"ayuu yidhi, laakiin waxa kale oo uu soo hadal qaaday nimankii reer Burco ee dhowaan tegay xarunta maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf, wuxuuna yidhi "Waxa iyana mucjiso noqotay shakhsiyaad reer Burco ah oo u tegay maamulka majeerteeniya, kuwaas oo markii ay soo noqdeen aanay dawladdu wax talaabo ah ka qaadin, waxaanu dawladda ku adkaynaynaa in nimankaa talaabo degdeg ah laga qaado."

Gudoomiyaha UCID waxa kale oo uu ka hadlay mawqifka ururkiisa ee arimaha doorashada iyo go'aankii muddo-kordhinta xukuumadda, wuxuuna yidhi "Anaga oo soo dhowaynayna go'aankii sharciga ahaa ee Guurtida, hadana si loo helo doorasho xalaal ah waxaanu soo jeedinay in awoodda dawladda la xakameeyo si aanay awoodeeda ugu isticmaalin doorashada", laakiin Faysal, isaga oo tilmaamaya sida uu u arko in loo xakamayn karo awoodda dawladda wuxuu yidhi, "Wasiirada hadda joogaa beelo ayey ku fadhiyaan, laakiin maanta ay beelihii ka baxeen oo ay UDUB noqdeen, waxaanu soo jeedinaynaa inay dawladdeenu ka koobnaato saddexda xisbi, taasina waxay yaraan doontaa tegista ay dawladdu ka tagtay shaqadeedii ee ay UDUB u ololaynayso, waayo tusaale ahaan waxaanu warka ku helay in lacag 18 bilyan oo shilin ah baanka laga qaaday oo UDUB loogu ololaynayo, taas oo kale way yaraan lahayd."

Faysal waxa kale oo uu soo jeediyey in saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID lacag is le'eg, isaga oo yidhi "Waa in saddexda xisbi la siiyo lacag la ogyahay oo siman oo ay ku ololeeyaan doorashada", wuxuuna intaa ku daray in la cadeeyo sida ay u soo baxaan sharciyan iyo halka ay maraan lacago badan oo ka soo baxa qaar ka mid ah goobaha dakhli soo saarka. Sidoo kale xaaladaha nabadgelyo daro ee mararka qaarkood ka dhaca magaalooyinka Somaliland waxa uu eedooda saaray maamulada dawladaha hoose. "Waxaynu ognahay in golayaal degaan la doortay, laakiin ilaa hadda lama samayn maayaradii, sababta loo samayn waayeyna waxay tahay farogelin dhinaca dawladda ah, markaa waa in la iska xakameeyo farogelinta wasaaradda daakhilga, ta kale wax badan ayeynu aragnay maayar xilka laga qaaday oo aayar iska tegay isaga oo dhulka boobay, laakiin waxaanu soo jeedinaynaa in talaabo laga qaado labadii maayar ee isaga dambeeyey Hargeysa, waayo waxa jirta in hadda dhulka la boobayo, iyadoo maalintiiba la kala qaato lixdan kun oo doolar oo dhul la iibsaday ah"

Gudoomiyaha UCID waxa kale oo sheegay inay baylah badani ka muuqato difaaca dalka iyo ilaalinta dhulka Qaranka Somaliland, isla markaana waxa uu Faysal hadalo ku weeraray ninka madaxda ka ah maamul-goboleedka Garoowe, isaga oo yidhi "C/laahi Yuusuf oo sheegay inaanay Somaliland go'i karin waxaanu u sheegaynaa in Somaliland lagu jaray xoog iyo dhiig ayaanu ku jaray, mana soo celin karaysid", laakiin Faysal halka uu ka weeraray C/laahi Yuusuf waxa uu dhinaca kalena soo dhoweeyey qaar ka mid ah hogaamiye-kooxeedyada Somaliya, kuwaas oo uu sheegay inuu xisbigiisu la yeelan doono wadiifo siyaasadeed, isaga oo taa ka hadlayana wuxuu yidhi "Waxaanu jecelahay inaanu wada hadal u furno Xuseen Caydiid, jabhadda RRA (Raxanweyn) iyo Muuse Suudi Yalaxow, dadkaas oo ah dadkii aanu halganka soo wada galnay, waxaanu u diraynaa waraaq , anaga oo ku qancinayna inaanay Somaliland oo dal xor ahi wax dhibaato ah u lahayn dadka Soomaaliyeed, waxaanu halkan ka sheegaynaa inay Somaliland iyo Somaliya ka kala abuurmeen Hargeysa iyo Muqdisho, laakiin majeerteeniya aanay wax miisaan ah ku lahayn qadiyadda Somaliland iyo Somaliya midna."

Gudoomiyaha UCID waxa kale oo uu dhaleeceeyey heshiis ku saabsan maalgelinta madaarada Hargeysa iyo Berbera oo ay xukuumaddu la saxeexatay shirkadda shisheeye ah, heshiiskaa oo uu ku tilmaamay mid madmadow badani ku jiro, isla markaana ah heshiis majaxaabinaya muwaadiniinta ee madaarada ka shaqayn jirey. "Xaq ma aha in wax aynu qabsan karno shisheeye la siiyo, hadii aanu UCID nahay wixii heshiisyo ah oo aanu u aragno inaanu ummaddayada u fiicnayn waanu baabi'inaynaa"ayuu yidhi.

Gudoomiyaha UCID oo ay weriyayaashu waydiiyeen sida ay yeelayaan hadii waxba laga qaban waayo dalabyadooda la xidhiidha xakamaynta awoodda dawladda iyo in laga qayb geliyo dawladda waxa uu ku jawaabay "Waxa aanu yeelaynaa way noo diyaarsan yihiin, markaa hadii aanu aragno inay dawladdu isticmaasho yaan loo joojin ma gelayno doorasho, kamana qayb gelayno doorasho aan xalaal ahayn ee waanu qaadacaynaa."

Top


Maamulka Gobolka Saaxil Oo Dhexdhexaadiyay Shirkadaha Caymiska Iyo Dad Baabuur Kala Soo Degay Dekedda Berbera Oo Muran Ka Dhex Aloosnaa

Berbera (Haatuf) dadka leh tiro baabuur noocyo kala duwan oo ka soo degay Dekeda Berbera oo qiyaas ahaa lagu sheegay 140 baabuur ilaa 170 baabuur ayaa shalay dacwad ugu tagay Badhasaabka gobolka Saaxil isla markaana ah duqa magaalada Berbera Axmed Maxamed Xasan, dooda hantiilayaasha gaadiidka, maamulka Gobolka Saaxil iyo shirkadaha caymiska xafiisyadooda Berbera ayaa si weyn uu xafiiska maamulka ee Gobolka Saaxil ugu mashquulsanaa maalintii shalay, Maxamed Ducaale Maxamed oo u sheegay Haatuf inuu ka mid yahay xaqlayaasha gaadiidka ayaa shalay warbixin ka bixiyay cabashada gaadiidleyda leh baabuurta ku jirta dekeda waxaanu u sheegay Haatuf in ay la diyaar yihiin cashuurtii dawladda hase yeeshee lagu yidhi, "ilaa aad soo bixisaan caymiska la idinka qaban maayo cashuur, Maxamed wuxuu intaa ku daray in ay dawladda ku yidhaahdeen gaadiidlayda uu ka midka yahay cashuurta naga qaada, anagu aanu shirkadaha caymiska wada hadal ku dhamaysano arrintayada si gaara, Maxamed Ducaale Maxamed waxa uu sheegay isagoo ka waramya kulankii shalay dhexmaray iyaga iyo badhasaabka Gobolka Saaxil in uu badhasaabku yidhi "anagoo u danaynayna dekedda oo ceeryoontay waan idinka qaadaynaa cashuurta, waxaa kale oo uu badhasaabku ku dhexdhexaadiyay gaadiidlayda iyo shirkadaha caymiska in ay (10$) gaadhigiiba ka bixiyaan hase yeeshee go'aankaa markii hore intay aqbaleen shirkadaha caymisku ayay haddana saraakiishooda goobtu diideen, xubnaha gaadiidlayda ee ka qaybgalay kulanka badhasaabka mooyee waxaa tubnaa xafiiska gobolka Saaxil shalay qaybo kale oo ka mida dadka gaadiidku kaga xayiranyahay dekedda Berbera dadkaas waxay qaarkood ka faaloonayeen shirkadaha caymiska oo ay ku doodayeen in dadka samaystay aanay ahayd hantiilayaal haysta hanti ay ku damaanad qaadaan hawshaas caymiska, waxaanay lahaayeen waxaa loo baahan yahay in ay hawshan galaan tujaar haysata maaliyad aada, marka la qiyaaso cashuurta dawladda kaga xaniban gaadiidka ayaa qiyaas ahaan celcelis ahaan ay dad goob joog ahi ku qiyaaseen in gaadhiga ugu yar ilaa (300$) oo cashuurii ay dawladda uga soo hoyan lahayd, guud ahaan waxaa shalay ka muuqatay halkaa in shirkadaha caymisku ay ku guuldaraysteen in ay ku qanciyaan gaadiidleyda faa'iidada in ay caymiska galiyaan gaadiidka ay la soo degeen, dhinaca kale waxay xaqlayaasha gaadiidku fahmi la'yihiin sababta isku xidhay cashuurtii dawladda iyo shirkadaha caymiska ee sida gaar ah loo leeyahay.

Hore waxaa loogaga dooday baarlamaanka Somaliland in aan baarlamaanku ansixin shirkadahaas, dad badan oo gaadiidlayda ah waxaa ka muuqatay shalay in uu jiro tuhun ah waxa ka dhaxeeya shirkadaha caymiska iyo saraakiil xilal haya marka ay arkaan sida la isugu xidhay cashuurtii dawladda iyo shirkadaha caymiska bixinta lacagtooda.

Top


Shir Lagaga Hadlay Kor-U-Qaadida Cadaaladda Iyo Garsoorka

Hargeysa (Haatuf) Shir lagaga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa caddaalada iyo garsoorka Somaliland ayaa shalay subaxnimadii hore lagu qabtay hoolka dhagaysiga dacwadaha ee maxkamada gobolka Hargeysa.

Shirkaa oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta wasaaradda cadaalaada, gudoomiyayaasha maxkamadaha gobolka, degmada, rafcaanka, kalkkaaliyayaashaa iyo shaqaalaha ka hawl gala maxkamadaha waxaana ka hadlay wasiirka cadaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe) oo faahfaahin ka bixiyay xidhiidhka iyo wada-shaqaynta loo baahan yahay wasaaradda cadaalaada iyo garsoorka oo uu sheegay inuu jiray khilaaf had iyo jeer dhexgala wasaaraadda iyo garsoorka kaasooo caqabad ku noqday wada shaqayntii dhexmari lahayd.

Wasiirku isaga sharaxaya xukuumadda wuxuu sheegay inuu dastuurku sheegayo qaab-dhismeedka oo ay jiraan saddex waaxood oo kala ah waaxda garsoorka waaxda sharci dejinta iyo waaxda fulinta oo ah waaxda wasaaradaha oo ah wasaaradda cadaalada ka mid tahay, blasé waax waliba ay hawsheeda u madax banaanidu maaha in lagu talax tago, haddii qolo waliba ku talax tagto madaxbanaanida waxba inoo hagaagi maayaan. Ayuu yidhi wasiirku.

Wuxuuna intaa ku daray inay dunida cusub ay jiraan qaab-dhismeedkooda kuwo ay awooda ugu saraysa leeyihiin baarlamaanka, laakiin inaga madaxweynaha ayaa kala diri kara, hase yeeshee wuxuu sheegay inay jiraan hay'addo sharci oo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka dacwad ku soo oogi kara xukuumadda iyadoo kaligeeda ayaa maxkmad la soo taagi karaa ayuu yidhi wasiirku isagoo sharaxaya nidaamka dastuurka Somaliland "anagu wasaarad ahaan waxaanu ka tirsanahay waaxda fulinta, waxanu wakiil u nahay madaxweynaha, waana inaanu warbixin ka siino cadaalada oo xilka wasaaradda ah, waxa lagama maarmaan ah in xilka laysku ixtiraamo, laakiin maaha in difaac la kala galo oo khilaaf abuurmo hawshiina socon waydo" sidaa waxa yidhi wasiirka oo sharaxaya wada shaqaynta cadaalada iyo garsoorka wuxuu intaa ku ladhay in loo baahanyahay in la abuuro sawir ka duwan kii hore iyo jawi cusub oo ay wasaarad ahaan hawsha garsoorka dhinacooda balan qaadayaan.

Wasiirku wuxuu sheegay muddadii uu wasaaradda joogay inay soo gaadhayeen cabashooyin ka imanayay oo ay ka mid yihiin khilaaf soo taxnaa muddo oo u dhaxeeyay garsoorka iyo wasaaradda.

Qareen aan aqoon fiican lahayn oo sita shahaadooyin iyo dhinaca nootaayooyinka ku sheegay inuu ku soo kordhiyay inay maxkamadda degmada warqad ka soo qaataan.

Waxaa kaloo wasiirku ka hadlay dhinaca shuruucda oo uu sheegay inay ka muuqato goldalool weyni oo uu dhaliilsan yahay, isagoo tusaale u soo qaatay inaanu jirin xeerkii lagu dhisi lahaa qareenada oo dhan, isla markaana ay maqanyihiin xeerarkii ganacsiga maaliyadda dhulka iyo xeerar badan oo kale oo uu wasiirku sheegay inaanay diyaar ahayn wuxuuna tilmaamay in sidoo kale aanu jirin xafiiska garyaqaanka guud waxa loo baahanyahay in la helo gudoo looyaro ah oo soo ururisa shuruucdii oo inta la daabaco dadka afsoomaali loogu qoro maxkamad kastana la geeyo 34-ka maxkamadood ee dalka, dadka ka shaqeeyana la tababaro ayuu yidhi wasiirku.

Waxa kaloo u xusay in ay baahi dhinaca maxkamadaha ahi isagoo tusaale u soo qaatay maxkamadaha Hargeysa oo uu sheegay inay dadka ku nooli ahaayeen ilaa (500,000) oo qof maanta ay ku nool yihiin magaalada Hargeysa (6-7) boqol oo kun wasiirka waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan balan qaadayaan toosinta garsoorka oo ay diyaar u yihiin inay kaalintooda qaataan iyagoo ixtiraamaya madaxbanaanida garsoorka.

Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa Maxamed Saalax Cige oo tilmaamay hawl maalmeedka maxkamadda gobolka oo ay maalintii marka laysku celceliyo ilaa (30) maxbuus iyo madani kuwaasoo ka yimaada sagaal saldhig boolis, wuxuuna sheegay gudoomiyuhu in maxaabiistaa ugu yaraan 10 ay u gudbaan jeelka intaa ka badana ay gudida nabadgelyadu gudbiso, taasuna ay keentay inuu jeelku buuxsamo oo ay maxaabiista hadal hayntoodu badato, laakiin uu maxbuusku xuquuq leeyahay oo ay tahay ta keentay in la sameeyo maxkamaddaha. Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Maxamed Saalax Cige wuxuu sheegay in loo baahan yahay maxkamad ahaan in lala arko baadhista kiisaska oo ah meelaha had iyo jeer qaloocu ka yimaado ee keenta muranka.

Gudoomiyaha Maxkamaddu wuxuu sheegay inay maxkamadda gobolku uu saaranyahay culays badan oo dhinaca kiisaska ah, isagoo tusaale u soo qaatay markii uu yimid 7 August ee sanadkii hore inay yaaleen ilaa 700-800 oo kiis kuwaasoo intii badnayd la xukumay. Wuxuuna gudoomiyuhu u mahad naqay wasiirka cadaaladda oo u sheegay inta uu garanayo inuu yahay wasiirkii ugu horeeyay ee booqda maxkamadaha.

Intaa ka dib wasiirka iyo masuuliyiintii la socotay waxay soo mareen xafiisyada maxkamadaha oo uu ka codsaday gudoomiyaha maxkamadda degmadda C/Raxmaan Jaamac Hayaan inay wasiirka iyo masuuliyiinta la socotaa indhahooda kusoo arkaan baahida ka jirta maxkamadaha.

Top


"Ma Jirin Wax Dhul Ah Oo Laygu Wareejiyay, Wasiirkuna Waxay Ahayd Inuu Masuuliyiinta Kala Saaro"

Wareysi Maayorka Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Maayarka magaalada Hargeysa, Axmed Maxamed Maxamuud "Axmed-dheere" ayaa jawaab ka bixiyey dhaliilo uu wasiirka daakhiligu dhowaan u jeediyey madaxda maamulada magaalooyinka Somaliland, iyadoo uu wasiirku nimankaa ku eedeeyey inay dhibaatooyinka dhul-boobku ku timi masuuliyad daradooda, wuxuuna maayarka Hargeysa, Axmed Dheera arimahaa kaga jawaabay waraysi uu doraad siiyey weriyayaal Haatuf ka tirsan.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa 21-kii bishan soo saaray wareegto uu ku xidhay bixinta dhulka, isla markaana ku canaanayo madaxda dawladaha hoose ee dalka, waxayna wareegta wasiirku la kowsatay iska hor-imaadyo dhimasho iyo dhaawac keenay oo isla 21-kii bishan ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaana ka mid ahaa qoddobada uu masuuliyiinka dawladaha hoose ku dhaliilay inay yihiin niman aad ugu liita go'aan ka qaadashada iyo wax ka qabashada arimaha dhulka iyo sidoo kale inay maamulada dawladaha hoose caddaysteen bixinta meelaha wadooyinka ah iyo bixinta dhulka danta guud, laakiin maayarka Hargeysa oo la waydiiyey dhaliilaha noocaas ah waxa uu ka odhanayo waxa uu ku jawaabay "Horta wasiirku waxay ahayd inuu kala qaado, waana ayaan daro inuu isku wada qaado, laakiin waxaan idiin sheegayaa anigu markii aan xilka la wareegay ma jirin wax dhul ah oo ay dawladdu leedahay laygu wareejiyey, hadiise laga tegi waayo inyar oo madaarka agtiisa ah ayuu Cawl yidhi intaas ayaa dan guud ah, intiina iyadoo waraaqo la sito ayaa la iila yimi, iminkana ma jirto wax gaar ah oo aan anigu bixiyey, mana jirto wax aanay wasaaraddu ogayn oo aan ku talaabsaday, ta kale mana jiro dhul ay dawladdu leedahay oo ay cidi I waydiisataa qof walibana isaga oo waraaq sita ayuu ii yimaadaa markaas ayuu yidhaahdaa dhulkan ayaan leeyahaya ee ii sharciyeeya."

Laakiin maayarka mar la waydiiyey sababaha kabriidka ku shidaya dhul-boobka cirka isku shareeray wuxuu yidhi "Waxay sababta koowaad tahay iyadoo ay shaqo la'aan iyo baahi badani jirto, ka dibna dhulka laga dhigtay il-dhaqaale", sidoo kale waxa uu maayarku sababta labaad ee dhul-boobka dabada ka wada ku tilmaamay ragga madaxda ka soo noqday ama ka shaqeeyey dawladda hoose oo qayb weyn ka qaatay dhul-boobka sharci darada ah, isla markaana wax talaabo ah laga qaadi waayey, taasina ay dhiiri gelisay in la xakamayn kari waayo mushkiladda dhul-boobka. "Wadaatu hore ayey faylka uga qaloocatay, markaa mushkiladda sixideedu way yara adkaanaysaa, iyadoo adag oo qaran la qaado mooyaane ma aha wax cid keliyi xakamayn karto, isla markaana marka ay dawladdu dhulka xakamaynayso waa inuu jiro sharci adag iyo istaraatijiyad laga yeeshaa oo la yidhaahdo dhulka oo dhami waa hanti dawladeed, laakiin sharcigii dhulku weli ma soo bixin ee baarlamaanka ayuu horyaal, ka dibna cidii sharcigaa ku xad-gudubta lagu dilaa". Laakiin maayarka Hargeysa, Axmed Dheere mar la waydiiyey sababta uu isagu wax uga qaban waayey mushkiladda dhulka waxa uu si adag ugu dacwiyey inuu dhinaca dhulka kala kulmay turxaan xoog leh oo hafisay, isaga oo mushkiladda dhulka ee uu maamulkii ka horeeyey ka tegay ku tilmaamay mid aan laga geyoonayn, wuxuuuna isaga oo labada dhafoor haya ku jawaabay "Maalintii aan xilka la wareegayey khudbadii aan akhriyey waxaan ku idhi hadii la is yidhaahdo buurta Naasahablood dhagax-dhagax u qaada iyo mushkiladda aad Cawlow ka tegaysaa, waxa ka fudud iyadoo buurtaa dhagax-dhagax loo qaado, sidaa darteed mushkiladda ay ka tageen waxay noqotay mid ciidda ka badan, markaa ma dhibaatadii hore ayaanu xalilaa, mise wax baanu qabanaa, taas oo aanu maalin walba xal u helideeda ku mashquulsanahay meel uu dil xumi ka dhacayo hadii xal loo helin, markaa talo waxay noqotay bal horta dabka baxaya bakhtiiya".

Top


Maxay Ku Dambaysay Arrinta Saddexdii Mudane Ee Wakiillada Laga Saaray

Hargeysa (Haatuf): Saddex mudane oo uu dhowaan shirgudoonku sheegay in golaha laga saaray ayaa laba ka mid ah dib loogu ogolaaday inay golaha ka mid ahaadaan, halka mid ka mid ah loo diiday inuu dib ugu soo laabto golaha, lana siiyey waraaqdii xubinimada lagaga qaaday.

Saddexdaa xubnood oo kala ah: C/laahi Saalax Cali, C/waaxid C/qaadir C/raxmaan iyo Cali Maxamed Axmed waxa golaha dib loogu ogolaaday C/laahi Saalax Cali iyo C/waaxid C/qaadir, laakiin Cali Maxamed ayuu shirgudoonka golaha wakiiladu debedda dhigay, ka dib markuu dhawr kalfadhi habsan kaga maqnaa golaha, halka ay labada xubnood ee kale la sheegay inay soo bandhigeen cudur-daar u saamaxay inay dib uga mid noqdaan golaha, laakiin waxay wararka qaarkood tibaaxeen inay shirgudoonka golaha wakiilada u tageen odayaal ka socda beesha uu ka soo jeedo mudane Cali Maxamed, kuwaas oo gudoomiyaha wakiilada ka codsaday in mudanahaa dib loogu ogolaado xubin-nimadiisii golaha wakiilada, balse uu aanu gudoomiyuhu taa diiday.

Dhinaca kalena gudoomiyaha golaha wakiilada, Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo arinta mudanahaa wax laga waydiiyey ayaa si kooban ugu jawaabay inay arintaasi ka mid tahay arimaha maamul ee golaha sirta u ah, sidaa darteedna aanu doonayn inuu ka hadlo.

Top


Burco Iyo Ceerigaabo: Buuq Iyo Khilaaf Ka Taagan Golayaasha Deegaanka

Burco (Haatuf): Xubnaha golaha degaanka dhowaan la doortay ee magaalada Burco oo kulankoodii u horeeyey shalay loo ballansanaa, isla markaana la doonayey in maayar iyo maayar-xigeenka halkaa lagu doortay ayaa baaqday, ka dib markii uu soo dhex-galay khilaaf aan weli tafaasiil ku fillan laga bixin, laakiin sida ay wararku sheegeen ka dhashay ismaan-dhaaf ka dhex-oogmay xubnaha u sharaxan jagada maayarnimo ee magaalada Burco. 

Kulan xaflad ah oo uu ku talo-galku ahaa inay isugu yimaadaan xubnaha cusub ee golaha degaanka Burco ee dhowaan la doortay ayaa qabsoomi waayey, ka dib markii ay kulankaa ka maqnaadeen tiro badan oo xubnaha golaha degaanka ah, kuwaas oo la aaminsan yahay inay sababta maqnaanshahoodu la xidhiidho ismaan-dhaafka ka taagan doorashada maayarka.

Wasiir-kuxigeenka arimaha gudaha oo hadda Burco ku sugan ayuu ku talo-galku ahaa inuu kulankaa ka qayb galo, sidoo kale badhasaabka Burco oo shirka furi lahaa ayaa isna goobta ka soo xaadiray, iyadoo ay kulankaa ka soo xaadireen xubno door ah oo ka mid ah xubnaha golaha degaanka ee dhowaan la doortay, laakiin sida ay wararku sheegeen abaara 11 maalin-nimo ayaa goobtii kulanku ka dhici lahaa lagu dareeray, ka dib markii ay soo xaadiri waayeen rag door ahi.

Sida la sheegay Aadan Maxamed Mire (Ina waqaf) oo ah maayarki hore ee Burco, iminkana ka mid ah ragga xisbiga UDUB uga sharaxan jagada maayarnimada iyo Maxamed Diiriye Xayd (Dib-jir) oo isna ahaan jiray maayar-xigeenkii Ina waqaf ayaa isna ka mid ah ragga jagada maayar-nimada uga sharaxan xisbiga UDUB, laakiin labadooda ayuu khilaafka ugu weyni ka dhex-taagan yahay, taas oo sida la sheegay saamayn weyn ku yeelatay guud ahaan xubnaha golaha degaanka.

Aadan Maxamed Mire (Ina waqaf) oo aanu xalay telefoon kula xidhiidhnay isaga oo Burco jooga, waxna ka waydiinay khilaafka la sheegay inuu ka dhex-ooggan yahay isaga iyo rag kale ayaa sheegay inaanu hadda diyaar u ahayn inuu arintaa ka hadlo. Sidoo kale Maxamed Diiriye Xayd (Dib-jir) oo aanu isna isla xalay telefoon kula xidhiidhnay isaga Burco jooga, waxna ka waydiinay arintaa ayaa ugu horayn ku jawaabay "May jirin cid hore loogu qorsheeyey inay maayarnimada keligeed u sharaxan tahay, isla markaana qof waliba waxa uu xaq u leeyahay in la doorto, waxna uu doorto".

Dhinaca kalena waxay wararka qaar tibaaxeen inaanu khilaafku hadda ooggani ku salaysnayn axsaab, iyadoo labada nin ee uu khilaafka ugu weyni ka dhex-ooggan yahay ka wada tirsan yihiin xisbiga UDUB, taas oo ay wararku leeyihiin xataa xubnihii axsaabta kala duwan ka soo baxay ayaa inta badan kala raacay labadaa nin, laakiin warku ma iftiimin sida la isu raac-raacay.

Ururka HORMOOD oo golaha degaanka Burco ka helay xubin keliya ayaa xubintiina la isku haystaa, iyadoo ay isku hayaan labada nin ee kala ah: Xasan Aadan iyo Ibraahin Caydiid Cali, taas oo ay Maxkamadda Burco go'aan ay 19-kii bishan soo saartay ku sheegtay inaan labada nin ee isku haysta xubinta golaha degaanka HORMOOD midna loo aqoonsan xubinimada, laakiin qoraal uu na soo gaadhsiiyey mid ka mid ah labadaa nin (Xasan Aadan) waxa uu ku andacooday inuu liiska musharaxiinta HORMOOD ee bilowgii isagu lambar kow ahaa, sidaa darteedna uu yahay ninka ku soo baxay xubinta ay HORMOOD ka heleen golaha degaanka Burco, isaga oo isla markaana go'aanka maxkamadda ku tilmaamay mid sharci daro ah oo aanay xaq u lahayn, burinaysana xeerka doorashooyinka. 

Dhinaca kalena magaalada Ceerigaabo ayey wararkii u dambeeyey ee ka soo yeedhay sheegeen inuu ka ooggan yahay buuq iyo ismaandhaaf la xidhiidha xubnaha golaha degaanka, taas oo ay wararku leeyihiin waxa la sameeyey is dhaaf-dhaafis cusub oo ku saabsan liiska xubnaha golaha degaanka ee axsaabta, taas oo ay wararku leeyihiin waxa la jabsaday xafiiska guddiga doorashooyinka Ceeriigaabo, ka dibna waxa halkaa lagala baxay liisaskii xubnaha golaha degaanka ee axsaabta, waxayna taasi keentay buuq iyo sawaxan saameeyey xaaladda magaalada, iyadoo ay wararka arintaa la xidhiidhaan leeyihiin waxay arintu ku dhowaatay isku dhac, laakiin sida ay wararku sheegeen in arintaa weli buuqeedu taagan yahay, taas oo loo dheg-taagayo in wax laga qabto.

Dad fariimo ka soo diray magaalada Ceerigaabo ayaa farogelinta arintaa ku eedaynaya Nin ka madaxda ka ah xafiiska doorashooyinka gobolka ee Ceerigaabo.

Top


Ku Simihii Maayarka Burco Oo La Xidhay Iyo Mudaharaad Ka Dhacay Burco

Burco (Haatuf): Ku simaha maayarka Burco, Sacad Maxamed Sheekh ayaa shalay barqadii koox askar ah oo booliska ka tirsani geeyeen saldhigga dhexe ee booliska Burco, laakiin inkasta oo la sheegay in markii hore xadhigiisa la amray, hadana markii saldhigga la keenay ayaa markiiba la sii daayey.

Sacad Maxamed waxa uu ku dacwiyey inuu xadhigiisa amray badhasaabka gobolku, isla markaana waxa u ku cawday in si fool-xun loola dhaqmay, laakiin Mr. Sacad oo aanu xalay telefoon kula xidhiidhnay isaga oo jooga magaalada Burco, waxna ka waydiinay xadhigiisa ayaa ugu horayn yidhi "Maanta (Shalay) barqadii aniga oo doonaya inaan xafiiskayga galo ayay ii yimaadeen koox askar ah oo uu wato taliye-xigeenka saldhigga dhexe ee boolisku I tukhaantukhiyeen, iilana dhaqmeen si fool-xun, laakiin markii aan taliyaha askarta watay ku idhi maxaad sidaa iigula dhaqmaysaan wuxuu igu yidhi anaga badhasaabka ayaa amar nagu soo siiyey soo xidha, sidaa ayaa gaadhi laygu saaray oo saldhigga laygu geeyey", laakiin Sacad mar aanu waydiinay bal waxa xadhigiisa loo aaneeyey waxa uu sheegay in xadhigiisa lagu xidhiidhiyey mulkiyad sharci ah oo uu saxeexay, laakiin waxa uu sheegay inuu taa xaq u leeyahay, sababta xadhigiisuna ay sharci daro tahay, wuxuuna sheegay inuu aad uga xun yahay xadhigiisa iyo sida loola dhaqmay, isaga oo intaa ku daray inuu arinta u gudbiyey wasiirka arimaha gudaha, uuna ka sugayo wax ka qabashadeeda.

Inkasta oo aanu isku daynay inaanu badhasaabkana dhiniciisa xadhiga Sacad Maxamed wax ka waydiino, hadana way noo suurta geli wayday inaanu helo.

Dhinaca kalena waxa shalay magaalada Burco ka dhacay mudaharaad lagaga horjeedo lagu diidan yahay xubnihii dhowaan tegay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka C/laahi Yuusuf, waxaana la sheegay inay mudaharaadkaa abaabuleen kooxo dad ah oo sida la sheegay u badan gaadiidleyda suuqa bariga Burco oo ay ka soo jeedaan nimanka Garoowe tegay.

Top


Jack Straw Iyo Collin Powel Oo Sida Wada-Jir Ah Uga Hadlay Arrinta Dalka Ciraaq

Washington (W. Wararka): Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Britain Jack Straw, ayaa ku dooday in cadaadiska laga qaadi doono Ciraaq marka la caddeeyo in ayna haysan hubka sida ba'an wax u gumaada.

Jack Straw oo ay hadal ka wada jeediyeen ninka dhigiisa ah ee Maraykanka ee Collin Powel, iyagoo joogay caasimadda Maraykanka ee Washington DC, laakiin labadooduba waxa ay sheegeen in ay natiijada ka soo bixidoonta Warbixin baadhayaasha hubka halista ah ee Golaha Ammaanka oo uu soo jeedin doono Han Blix iyo falanqaynta raaci doonta inta aan la go'aansan waxa lagu dhawaaqayo. Mr. Powell, waxa uu sheegay in aanu Maraykanku aanu go'aansan inuu codsado qaraar kale oo laga qaato Ciraaq. 

Sidoo kale, xubno kale oo ka mid ah Golaha Ammaanka, ayaa iyagu sii wada kor horjeedkooda ay ku diidan yihiin in dagaal lagu qaado Ciraaq. Dawladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay ka werwersan tahay cududda milateri ee lagu ururiyay Gobolka Khaliijka, waxaanay sheegtay Haweenay Afhayeena oo u hadashay Dawladda Shiinaha in ay Shiinuhu la safan yihiin Dawladaha Faransiiska iyo Jarmalka, sidoo kale ayuu Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, wuxuu u sheegay Madaxweynaha Maraykanka George W. Bush in warbixinta ay baadhayaasha hubka halista ahi soo jeedin doonaan 27-ka bisha Jeenaweri ay noqon doonto furaha waxa laga yeeli doono Ciraaq mustaqbalka.

Jack Straw, waxay timid booqashadiisan Maraykanku kadib markii ay Mudanayaasha Baarlamaanku muujiyeen sida ay u diidan yihiin weerar lagu qaado Ingiriiska.

Arrimaha kale ee ka soo baxaya bahwadaagta Maraykanka iyo Ingiriiska, waxaa ka mid ah; Admiral Sir Micheal Boyce, Taliyaha abaanduulaha difaaca Maraykanka iyo Madaxa Ingiriiska ee Ciidamada Qalabka Sidda, ayaa maalintii shalay si wadajir ah u booqanayay Turkiga, waxaana la rumaysan yahay in booqashadani ay ujeedadeedu tahay, sidii Maamulka Turkiga culeys loogu saari lahaa sidii uu u ogolaan lahaa Saldhigyo Milateri oo loo adeegsan karo weerar milateri oo lagu qaado dalka Ciraaq.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 73aad

Ganat: Sidee buu u bilaabmay ololihii casaa, yaase bilaabay?

Mingistu: Horta marka la eego waqtigan aynu joogno dad badani in ololihii casaa laga sheekeeyo mooyaane ma jecla in la soo hadal qaado ololihii kale ee la odhan jiray ololihii casaa, laakiin anigu waxaan doonayaa inaan sidii ay arintaasi ahayd uga sheekeeyo, hadii ay tahay ololihii casaa iyo hadii ay tahay ololihii cadaaba. Sidaa darteed marka aan dib ugu noqdo taariikhdoodii ugu horayn ololihii casaa iyo kii cadaaba waxay ahaayeen kuwo la xidhiidha quwadihii bidix ee Itoobiya (mucaaradadii).

Bishii Febarweri 1973-kii dhaqdhaqaaqyadii ay ururada ardayda iyo dhalinyaradu gudahooda sameeyeen waxay ila tahay inay muhim tahay in la xuso, sidaa darteed 1970-kii tijaabadii ay sameeyeen janaraal Mangistu Nawaay iyo tijaabooyin kale oo la sameeyey waxay ahayd, iyadoo ay dadweyne badan iyo ciidamaduba inta ay kaceen ay xumaantii Itoobiya ka jirtay markii u horaysay debedda u soo saareen oo ay cadeeyeen, taasina waxay keentay in dawladdii xayle Salaase ee talada haysay karaamada laga qaado.

Janaraal Mangistu Nawaay judhiiba markii uu bilaabay inuu ciidamada hawl-geliyo, iyadoo uu dhinaca kalena janaraal Mangistu Nawaay ogaa inay ardayda jaamacaduhuna doonayaan inuu dalka ka dhaco isbedel siyaasadeed, sidaa darteedna janaraal Mangistu Nawaay wuxuu doonayey inay ciidamadu ka qayb qaataan isbedelka ardaydu doonayso, ka dibna janaraal Mangistu Nawaay inta uu koox arday ah ku casuumay xeradii guutadii uu taliyaha ka ahaa ayuuu halkaa khudbad ka jeediyey, wuxuuna yidhi "Anagu waxa aanu u dhaqaaqnay ama doonaynaa ma aha inaanu danahayaga gaarka ah fushano, laakiin waxaanu ka werwernay xaaladda uu dalkayagu ku sugan yahay", taasina waxay keentay inuu janaraal Mangistu Nawaay dareenkooda kiciyo ardaydii maadaama ay jacayl badan u hayeen dalkooda hooyo, isla markaana ay doonayeen inuu isbedel dhaco. 

Ardaydu inkasta oo aanay hub haysan, hadana dhaqdhaqaaqa isbedel doonka way taageen, laakiin taasi waxay keentay nebcaansho ardayda uga yimaadda dhinaca boqorka. Laakiin janaraala Mangistu Nawaay iyo kooxihiisii tijaabadii ay sameeyeen inkasta oo aanay u hirgelin, hadana dedaalkoodii iyo halgankoodii macno daro muu noqon.

Qalalaasihii dhacay bishii Diisambar ma ahayn mid ay ardayda oo qudhi sameeyeen, laakiin dadweynaha oo dhan ayaa indhaha ku kala qaaday oo ka qayb qaatay, waxayna dadka dhexdiisa ka dhalatay fekrad odhanaysa "ileyn waa awoodi karaa in dawladda Xayle Salaase la rido", waana arintaa arinta aan doonayo in la xusuusto. Markaa dhaqdhaqaaqyadu ardaydu laga soo bilaabo xiligaa way soo kobcayeen, waxayna ardaydu samaysteen ururo ay ku hawl-galaan, isla markaana waxay barteen qoraaladii Markiisamka (Hantiwadaagga) iyo sidoo kale waxay fahmeen bilowgiii kacaanadii caalamka iyo halka ay dhaqdhaqaaqyadoodu marayaan, taas oo ay fahmeen sida ay yihiin iyo faa'iidooyinka ay dadyawga dunidu ka heleen. Sidaa darteed dhaqdhaqaaqyadaasi waxay ardayda intooda badan ku dhiiri gelisay inay arkaan xumaanta maamulka jira, isla markaana waxay iswaydiiyeen in dadka beeraleyda ah la siiyo dhul iyo weliba su'aalo kale oo dimoqraadiyadda ku saabsan ayey iswaydiiyeen, laakiin waxay cod taageero ah ka heleen shicibka, taasina waxay keentay in ardayda wararkooda dhegta loo dhigo, sidaa darteed dhalinyaradii jaamacaduhu inta ay dareenkoodii shaaca ka qaadeen ayey shaaraca soo dhigeen arimahoodaa, waxayna ka hadleen niman maalqabeenno waaweyn ah oo ay wax waliba u dhamaystirnaayeen, isla markaana danahooda ilaashanayey. Markaa halgamadii lagula jiray xumaanta iyo diidmadii maamulkii Xayle Salaase mar-ba marka ka dambeeya qaabkooda iyo jawigoodu wuu isa sii bedelayey. Sidaa darteed markii dambe dhinac waxa ka soo baxay dhalinyaro taageersan dunida Markiisam, liininsamka, kuwaas oo ay maskadoodu awood u lahayd inay dhinaca bidix u janjeedhsadaan, taasina waxay keentay inay mar-ba marka ka sii dambaysta maskaxdoodu ka sii adkaato intii hore oo ay dhismaan. Sidoo kale ardayda laftoodu iyaga oo taageeraya quwaddii bidix ee midowgii Soofiyeeti ayaa kuwii joogay Soofiyeet-ka gudihiisa waxa ka dhex dhashay buuqyo iyo isku dhacyo badan.

Dhinaca kale halkii ay su'aalaha iyo doodaha ay iswaydiinayaan ay qoomiyad guud kaga xalin lahaayeen ayey qaateen mid-mid gaar ah, taas oo ay ula jeedeen "Cid waliba iskeed way isu maamuli kartaa", su'aasha ama doodda caynkaas ahina waxay ahayd mid kala qaybinaysa halgamadii ay ardaydu ku jireen, isla markaana dhiiri gelinaysa go'idda Ereteriya, waxaana dhacday inay kooxo ka soo horjeestaan, sidaa darteed xubnihii ka soo horjeestay arintaas ee lahaa "Su'aashaasi ardayda ayey kala jebinaysaa", taa aad bay uga soo horjeesteen, halka qolada kalena lahaayeen "Arintu sidaas weeye, waana wadada ugu wanaagsan ee isbedelka loo mari karo", dabadeedna labadaa qaybood ayaa loo kala jabay oo qoloba dhinac ayey u baxday. Sidaa darteed qolodii lahayd "Cid waliba gaar ayey isu maamuli kartaa", markii ay dhinac isugu baxeen ayey ku dhaqaaqeen wixii ay ku riyoonayeen sidii ay u hirgelin lahaayeen, ka dibna waxay sameeyeen inay dhinac isugu ururiyaan wixii Ereteriya u dhashay oo dhan. Sidoo kale Wayaanuhuna inta ay dhinac isugu baxeen ayey yidhaahdeen "Tigree ayaanu xor baanu ka dhigaynaa". Sidoo kale ayey Oromaduna dhinac isugu baxeen, marka aan leeyahay Oromada uma jeeddo bulshada Oromada ee waxay ahaayeen kuwo leh wax baanu garanaynaa, ka dibna wax baanu fahamnay inta ay yidhaahdaan doonayey inay bulshada Oromada ku dul-baayacmushtareeyaan...

La soco cadadka dambe.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Wasaarada Waxbarashada Waxa Ragaadiyay Maamul-Xumo

Sida aynu wada ogsoonahay horumarka mujtamacyada ku talaabsada waxa uu ku xidhan yahay waxyaabaha daruuriga u ah horumarka sida waxbarashaada, dhaqaalaha iyo kuwo kale, bulsho kastana horumarkeeda nololeed wuxuu la baaxad yahay heerka ay gaadhsiisantahay tayadooda waxbarasho iyo aqooneed, sidoo kale bulsho horumar ma gaadhi karto tan iyo inta ay dayacanyihiin doorka waxbarasho ee ubadkooda.

Intaa ka dib waxa jira dhaliilo badan oo hadheeyay maamulka wasaaradda waxbarashada iyaga oo hawlihii loo igmaday ee ay masuulka ka ahaayeen dayacay waxa uu maamulka wasaaradda waxbarashadu markii ugu horeysay gaadhay heerkii ugu hooseeyay muddo 11 sano ah, inaga oo taariikh hore xusin, waqtigan aynu ku jirno wasaaradda waxbarashadu waxay ku guuldaraysatay inuu furmo dugsigii sare ee Sheekh, waqtgii loogu talagalay, kaasi oo ay dhismihiisa dhamaystirtay hay'adda (SOS). Ayada oo dadka ku nool deeganada jamhuuriyadda Somaliland aanay helin xaqii iyo xuquuqdii ay u lahaayeen waxbarasho, ayaa ardayda reer Sheekh oo muddo sugayay furitaanka dugsiga ay wasaaradda waxbarashadu duudsiday xaqii ay u lahaayeen inay galaan dugsiga sare ee Sheekh ka dib markii loo ogolaaday 4 arday oo kaliya taasi oo reer Sheekh u cuntami wayday sida la ogyahayna ardayda deegaanka dugsi kale lama gayn jirin.

Waxay maamulka wasaaradda waxbarashadu xalin kari wayday khilaaf soo dhexgalay maamulka gobolka Hargeysa iyo maamulka ardayda dugsiga sare ee 26 june oo maamulka wasaaraddu waxay ku fashilmeen inay hirgaliyaan dugsiyo waxbarasho oo cusub iyadoo ay sanad walba ka soo baxaan dugsiyada dhexe ee Hargeysa arday tiro badan, oo aan loo hayn meelo ay wax ku dhigtaan.

Si loo helo ubad hanan kara mustaqbalka dalkooda, sidaan qabo waxa looga bixi karaa: 

  1. Iyadoo madaxweynuhu go'aan la mida go'aankii uu ka qaatay arrimaha garsoorka, uu ka qaato arrimaha waxbarashada.

  2. Iyadoo dhaqaalaha iyo miisaaniyada meelaha kale loo leexiyo wax loogu qabto waxbarashada.

  3. Iyadoo dawladda waxba laga sugin ee ay dadweynuhu iyaga is xilqaamaan oo ay wixii kartidooda ah ay ka qabtaan dhibaatada hortaagan hanaanka waxbarasho ee dalkeena.

  4. Iyadoo isbedel lagu sameeyo guud ahaan maamulka wasaaradda waxbarashada.

Saleebaan Cabdi Ibraahim
Hargeysa

Top


Wakaaladda Biyaha Oo Buti Noqotay

Wakaaladda biyaha caasimada Hargeysa oo markeeda horeba ka gaabsan jirtay u adeegida dadweynaha dagan magaalada oo muwaadiniintu had iyo jeer kaga caban jireen biyo la'aan joogto ah, iyagoo wiigiiba saddex cisho biyaha loo soo furo wakhti xun oo badanaa dadku ay hurdaan, sidaa awgeed waxa caado u noqotay dadka dagan caasimadda inay kuyuu dheer istaagaan qasabadaha biyaha saqda dhexe habeenka biyaha la furayo.

Haddaba halkii wakaaladu ay wax ka qaban lahayd dhibaatooyinkaa dadku ay kaga cabanayaan waxay ku bilaabantay waa wakaaladee muwaadiniintii fal argagixiso ah taas oo shaqaalaha wakaaladu wiigii hore guryo badan oo ku yaala degmada 26 june ka goosteen sacaadihii iyagoo qasab iyo si sharci darro ah ku soo galaya guryaha marka loo diido inay furtaan sacaadahana dadkaa noogayso oo wax jira xaafadda ay nabaro u gaystaan halka qaar kalena naftoodii ay halis galiyeen markii ay rasaas ku fureen.

Markii aan arintan dab galay iyo waxa ku kalifay shaqaalaha wakaaladu inay ku kacaan falkan budhcadnimada ah waxa ii cadaaday in musuqmaamusq si ba'an ugu fiday wakaalada oo biilalkii labadii bilood ee ina soo dhaafay inlagu tagri falay taas oo qasab kaga dhigtay in mar kale laga soo ururiyo dadka lacagtii ay ka hor bixiyeen.

Arrintani maaha markii u horeysay ee wakaaladu ay ku samayso dadka oo dhana way la wada socdaan in shidaal kka ijiinada dawladu ugu talagashay, in dib wakaaldu u iibgayso suuqa.

Haddaba ta aniga iga yaabisay maaha wakaalada ee waxa weeyaan dadkan muwaadiniinta isku sheegaya ee hantidoodii lagu hor bililiqaysanayo. Ta labaadna xukuumadda markii uu madaxweyne Rayaale u la wareegi doono miyaanu odhan awooda waxan saarayaa la dagaalanka musuqmaasuqa talaw hadalkaasi Rayaale ma iska dhaadhicin uun ka aha ileen wakaaladan musuqmaasuq la naaxday ee Buti dadka cunaysa wax buu ka qaban lahaaye.

Canab Aw Faarax
Hargeysa

Top


IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid I. Guraase

Xulashada Asxaabtii 
Nebiga (S.C.W): Al Baraa Binu Maalika Al Ansaari

Wuxuu ahaa nin boodhaysan oo basaasan, una dhashay jidh-yari ay adagtahay inay isha si fiican u qabato jidhkiisa. Hase ahaatee iyadoo ay taasi jirto, wuxuu haddana laayay boqol ka mid ah mushrikiinta/gaallada isu-soo-bax-dagaal, iyadoo aanay ku jirin kuwa kale ee uu ku laayay badhtamaha dagaallada. Waa geesigii uu arrintiisa awgeed u qoray Cumar Binu Al-khadaab, dhambaalkiisii uu u qorayay shaqaalihiisa iyo guddoomiye-goboleedyadiisa markuu lahaa "yaan Baraa madax looga dhigin ciidan ka mid ah ciidamada muslimiinta, cabsi laga qabo in geesinimadiisa awgeed ciidankaas la jebiyo".

Waxayna walaalo ahaayeen Anas qofkaas aynu ka hadlayno waa Al-Baraa Binu Al-Maalik Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee, waa Anas Binu Maalik walaalkiis ooda ahaa adeegihii Rasuulka (scw). Haddeynu xoogaa milicsano si aan halkan uga soo gudbino sheekadii la xidhiidhay geesinimadii Al-Baraa Binu Maalik Al-Ansaari waxaa hubaal ah inay sheekadu inagu dheeraanayso, hase ahaatee waxaan soo gudbinaynaa mid ka mid ah sheekooyinkiisii ku saabsanayd geesinimadii Al-Baraa Binu Maalik Allaha ka raalli noqdee, sheekadaas oo kaa deeqsiinaysa kuwa kale. 

Fidnadii ugu horeysay ee soo waajahda islaamka

Sheekadan waxay billaabanaysaa saacadihii ugu horeeyay kadib markii uu geeriyooday Rasuulka (scw), markii ay qaar ka mid ah qabiilooyinka carbeed ay ka laabteen diintii islaamka iyagoo koox-koox ah, siday markii horeba ay u soo galeen diinta islaamka iyagoo koox-koox ah, jeer ay diintii islaamka isugu soo hadheen oo keliya muslimiintii degganayd Makka, Madiina, Daa'if iyo kuwo kale oo uu Eebbe (sw) ku sugay laabtooda iimaanka iyo diinta islaamka. 

Maalintii Abuubakar

Intaas kadib waxaa sugnaaday geesigii runta badnaa ee Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo is hortaagay fidnadan wax baabi'inaysay ee indhaha la'ayd, wuxuu sugnaaday sugnaanshaha buurihii sugsugnaa ee qotomay oo kale, wuxuuna muhaajiriinta iyo ansaarta ka diyaariyay 11 ciidan, isagoo ciidan kasta oo ka mid ah ciidamadaas u guntay oo u dhiibay calankoodii, wuxuuna u kala diray dacallada dhulka Jasiiradda Carabta, si ay kuwii diinta islaamka ka laabtay ay ugu soo dabaalaan diintii hanuunka iyo xaqa ahayd, iyo inay ku soo qasbaan kuwii ka weecday wadiiqadii toosneyd seefta afkeeda. Waxaa Abuubakar Ilaahay ha ka raallo noqdee uu yidhi maalintaas hadal taariikhda meel fiican ka galay, hadalkaasoo ahaa "ma waxaa nuqsaamaysa diinta annigoo nool", dabadeedna wuxuu ogeysiiyay muslimiinta in dagaal lagu qaado kuwii diinta ka riddoobay, iyadoo saxaabadiina ay aqbaleen ijtihaadkiisii toosnaa. 

Kuwii ugu xoogga badnaa ee ka mid ahaa qabiilooyinkii ka laabtay diinta islaamka, uguna tirada badnaa ayaa waxay ahaayeen qoyska reer Banuu Xaniifa, qabiilkaasoo uu ka dhashay ninka la yiraahdo Musaylamata Al-kadaab. Waxaa Musaylamata u soo saftay oo u hiiliyay tolkiisa iyo xulafadiisuba oo gaadhayay afartan kun oo dagaalyahaniin ah, waxayna intooda badan u raaceen ficillo qabyaaladeed, ee uma raacin rumeyn ay rumeynayaan. Maxaa yeelay qaar ka mid ah kuwaas ayaa waxay odhan jireen "waxaan qiraynaa in Musaylamata uu beenaale yahay, Muxammad-na uu runloow yahay.., hase ahaatee beenlowga Musaylamata ayaan ka jecelnahay runlowga Muxammad."

Cabsida laga qabo haddii la jebiyo ciidamada muslimiinta

Wuxuu Musaylamata jebiyay ciidankii ugu horeeyay ee u soo baxay ee ka mid ahaa ciidamada muslimiinta, waxaana ciidankaas hoggaaminayay Cikramata Binu Abii Jahal. Hase ahaatee, Abuubakar Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa wuxuu markale diray ciidan, wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay Khalid Binu Al-Walid. Waxaa ciidamada la isugu soo ururiyay madaxdii asxaabta oo isugu jiray muhaajiriinta iyo ansaarta, waxaana asxaabtaas safka hore kaga jiray Al-Baraa Binu Maalik Al-Ansaari iyo qaar ka mid ah halyeeyada muslimiinta. 

Waxaa dhulkii Yamaama foodda isku-jaray labadii ciidan, ciidankii muslmiinta ee uu hoggaaminayay Khalid Binu Al-Walid, iyo ciidankii gaallada ee uu hoggaaminayay Musaylamata Al-Kadaab. Waqti yar kamaba soo wareegan, jeer durbadiiba ay xooggaysato dhinacii Musaylamata iyo ciidankiisa, halka ciidamadii muslimiinta-na ay ka billaabaan dib-u-gurasho, dhinaca kale waxay ciidankii Musaylamata cagta mariyeen teendhadii weyneyd ee uu lahaa Khalid Binu Al-Walid, wayna siibeen, waxayna sigeen inay dilaan xaaskii Khalid Binu Al-Walid haddaanu badbaadin nin iyaga ka mid ahaa. Runtii waxay ahayd waqti aad u adag, waxayna muslimiintii dareemeen xaalad aad u qadhaadh oo aad u weyn, oo waxay muslimiinta yaqiinsadeen in haddii ciidamada Musylamata ay jebiyaan oo uu ka adkaado ciidanka muslimiinta aanay jiraynin qof u istaaga gargaarka diinta Islaamka wixii maanta ka danbeeya, iyo sidoo kale inaan la arki doonin qof ku caabudaya Eebbe (sw) kelligiis dhulka Jasiiradda Carabta. 

Xeelad milateri oo sareysa

Intaa dabadeed waxaa booday Khalid Binu Al-Walid, isagoo isu keenay dhammaan ciidamadiisa, wuxuuna muhaajiriintii ka soocay ansaartii, sidoo kalena kuwii reer miyiga ahaa ayuu iyagana ka soocay kuwii kale. Wuxuu qabiil kasta u dhiibay hal calan, bal si loo garto wacdaraha koox kasta ay muujiyaan, sidoo kale si loo ogaado halka iyo goobta lagaga imaanayo muslimiinta, dabadeedna waxaa bilaabantay dagaalkii. Labadii ciidan waxaa dhex maray dagaal ba'an oo aanay muslimiinta weligood arkin mid la mid ah. Kooxdii Musaylamata waxay goobtii dagaalka ku muujiyeen adkeysi weyn, iyagoo aanan u aaba-yeelin tirada faraha badan ee kaga dhimanaya dagaalka, dhinaca kale waxay sidoo kale muslimiintana dhinacooda ka muujiyeen geesinimo aad u weyn, waxaana tusaale uga soo qaadanaynaa qaar ka mid ah halyeeyadii muslimiinta ee dagaalkaas.

Tusaalihii geesinimo ee saxaabada

Waxaynu arkaynaa Thabit Binu Qays oo sida calankii Ansaarta oo isu diyaarinaya geeri iyo dhimmasho, isagoo xidhay kafantii meydka. Wuxuu qotay godkii lagu aasi lahaa, dabadeedna wuxuu labadiisii dhudhun ku aasay godkii, isagoo ku sugnaaday goobtaas. Sidaas ayuu ahaa oo ugu dagaalamayay ilaa markii danbe laga dilay isagoo shahiid ah. Sidoo kale waxaynu kaloo arkaynaa Zeyd Binu Cumar Binu Al-Khadaab oo ahaa Cumar Binu Al-Khadaab walaalkiis oo u dhawaaqaya muslimiinta isagoo leh "dadyahoow goowsihiina qaniina, laayana cadoowgiina, horeyna u sii socda.., dadyahoow, wallaahi ayaan ku dhaartaye hadli maayo wixii odhaahdaydan ka dambeeya jeer laga jebiyo ciidmada Musaylamata ama aan Eebbe kala kulmo, annigoo wata xujadayda iyo markhaatigayga". Intaa dabadeed wuxuu rogaal celin ku sameeyay gaalladii isagoo dagaalamaya, jeer markii danbe isna laga dilo isagoo shahiid ah. Waxaan kaloo isla goobtii dagaalka ku arkaynaa haddana Salim oo ahaa mowlihii (kii la lahaa) Xudeyfa Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo sida calankii muhaajiriinta. Waxaa u cabsaday tolkiisii muhaajiriinta, waxayna ku yidhaahdeen "waxaan ka cabsanaynaa in nalooga yimaado dhinacaaga", wuxuuna ugu jawaabay hadalkan qiimaha leh "haddii la idinkaga yimaado dhinacayga waxaan ahaanayaa qof xambaarsan (xifsadan) qur'aanka kan ugu xun", dabadeedna si geesinimo ku jirta ayaa wuxuu rogaal celin geesinimo oo ba'an ku celiyay gaalladii, jeer isna laga dilo isagoo shahiid ah. Hase ahaatee, halyeeyadaas aynu soo sheegnay dhammaantood waxay ahaanayaan wax yar marka loo barbardhigo halyeeynimada iyo geesinimada Al-Baraa Binu Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee. 

Al-Baraa oo looga fursan waayay hoggaaminta ciidamada

Markii uu Khalid Binu Al-Walid arkay dagaalkii oo sii kululaanaya, oo maraya meel daran ayaa wuxuu jaleecay oo eegay xaggii Al-Baraa Binu Malik Al-Ansaari, wuxuuna ku yidhi "xaggooda u kac wiilkii Ansaaroow", dabadeedna wuxuu Al-Baraa Binu Malik isna eegay dhinacii tolkiisa, isagoo leh "ansaareey yuusan qof idinka ka mid ihi ku fekerin inuu ku laabto magaalladii Madiina, wixii maanta ka danbeeya ma lihidin magaallada Madiina.., waxaad leedihiin Eebbe (sw) kelligii iyo Jannada". 

Gaallada oo magangalay beertii geerida

Wuxuu Al-Baraa iyo asxaabtiisa durbadiiba ay ku qaadqaadeen mushrikiinta, wuxuuna Al-Baraa billaabay inuu kala beero safafkii gaallada, seeftiisana wuxuu kaga shaqeeyay oo uu ku laayay cadowga Ilaahay qoortooda, jeer ay markii danbe ka ligligato gummadihii ciidamada Musaylamata, waxayna iyagoo cararaya ku magangaleen beer, taasoo taariikhda u aqoonsatay wixii maalintaas ka danbeeyay magacan "beertii geerida", dadka faraha badan ee lagu laayay awgeed. 

Beertan waxay ahayd mid dacalladeedu ay waasic tahay, lehna derbiyo dhaadheer. Musaylamata iyo ciidankiisa gaadhayay kumanaanka kun waxay isku soo xidheen albaabadeedii, iyagoo derbiyadaas isku ilaalinaya. Ciidamadii Musaylamata waxay billaabeen inay leebabkoodii kaga soo tuuraan muslimiinta, iyagoo ku jira dhufeysyadooda. 

Taladii Al-Baraa

Muslimiintii waxay galeen khatar kale oo hor leh, waxayna billaabeen inay tashadaan. Muslimiinta geesigooda iyo halyeygooda ayaa haddana soo baxay ee ahaa Al-Baraa Binu Malik, isagoo ku leh muslimiinta "waxaad i saartaan gaashaan korkiisa (wuxuu ahaa nin jidh-yar), dabadeedna waxaad gaashaanka kor ugu qaaddaan warmaha, sidaasna waxaad igu tuurtaan meel u dhow albaabka beerta, labo midkood ayaa dhacaya, waa in la i dilo oo aan shahiido, iyo in aan albaabka idinka furo". Ilbidhiqsi kamaba soo wareegan jeer ay muslimiintii qaataan taladii Al-Baraa, waxayna saareen gaashaankii, maxaa yeelay markii horeba wuxuu ahaa nin jidh-yar, waxay kor ugu qaadeen tobaneeyo warmood, dabadeedna waxayna ku dhex tuureen dhinacii beerta isagoo dhexda uga galay ciidamadii kumanaanka kun ahaa ee uu hoggaaminayay Musaylamata. 

Wuxuu Al-Baraa sidii baarashuudka oo kale ku soo kor-degay ciidamada Musaylamata dhexdooda, wuxuuna billaabay inuu la dagaalamo gaallada, isagoo seeftiisa ku laayay toban ka mid ah gaalladii jeer uu markii danbe ka furo albaabkii, iyadoo jidhkiisa ku yaaliin dhowr iyo toddobaatan dhaawac oo isugu jiray leebab iyo warmo. Muslimiintii ayaa hal meer ku soo butaacay beertii geerida, iyagoo ka soo galaya beerta derbiyadeeda iyo albaabadeeda, waxayna seefahoodii kaga shaqeeyeen gaalladii ka riddowday/laabatay islaamka, kuwaasoo ku dhuuntay beerta derbiyadeeda jeer laga laayo wax ku dhow labaatan kun, waxayna muslimiintii gaareen ninkii Musaylamata ahaa, isna markii danbe way dileen, wuxuuna ahaa ninkii ugu horeeyay ee iska sheegta nebinnimo kadib Nebinnimada Nebi Muxammad (scw). 

Al-Baraa oo jeclaa markasta shahaado

Waxaa la soo qaaday Al-Baraa Binu Malik si loo daaweeyo, Khalid Binu Walid ayaa daaweenayay muddo bil ah ilaa uu Eebbe (sw) ka siiyo caafimaad, isaga sababtiisa ayay muslimiinta guul ugu heleen. Al-Baraa Binu Malik Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu markasta u hiloobi jiray in Alle dartii loo dilo (shahiido), taasoo ka tagtay maalintii loogu magac daray "beerta geerida". 

Furashada Tustur

Wixii intaa ka danbeeyay wuxuu Al-Baraa Binu Maalik ku taami jiray hilowgiisii weynaa ee ahayd inuu haleelo oo uu ka daba tago Nebigii (scw) qiimaha badnaa, jeer markii danbe laga soo gaadho maalintii loogu magac daray "maalintii furashada Tustur" ee ku taalay gobolka reer Faris. Gaalladii reer Furus waxay ku dhuunteen mid ka mid ah dhufeysyada sibsibka ah. Muslimiintii waxay go'doomiyeen gaalladii, iyagoo isku soo wareejiyay hareeraha dhufeysyadaas. Markii ay ku dheeraatay gaalladii reer Furus go'doonkaas waxay billaabeen inay ka soo raariciyaan dhufeyskii ay ku jireen derbiyadeeda silsilado bir ah, laguna sii xidhay kalbado birlab ah oo lagu shiday dab, taasoo ka kulul dhuxusha dabka ah. Kalbaddaas birlabta ahayd waxay galaysay muslimiinta jidhkooda, kadibna way ku dhageysay, dabadeedna waxay u sii qaadaysay xaggii gaallada Furuska iyagoo markaas dhintay, ama qarka u saaran inay dhintaan.

Haddaba, kalbadihii mid ka mid ah ayaa ku dhegtay Anas Binu Malik oo ay walaalo ahaayeen Al-Baraa Binu Malik. Maba aanu arag Al-Baraa walaalkiis anas jeer uu durbadiiba ku booday derbigii sibsibka ahaa, wuxuuna qabtay silsiladdii sidatay walaalkiis Anas, wuxuuna bilaabay inuu kalbadihii kululaa ka furfuro si uu uga saaro jirka walaalkiis, gacantiisii ayaa gubatay, waxaana ka baxay qiiq. Al-Baraa dan kama gelin xanuunka gubashada jeer uu markii danbe ka badbaadiyay walaalkiis, wuxuu dhulka u soo daadegay iyadoo gacantiisa noqotay lafo aan saarnayn wax hilib ah. 

Haddaba, dagaalkan wuxuu Al-Baraa Binu Malik baryay Eebbe (sw), isagoo Alla weydiisanaya inuu ku shahiido dagaalka, Ilaahayna wuu aqbalay ducadiisii, kadib markii uu goobtii dagaalka dhulka ku dhacay isagoo la dilay, una hilowsan la kulanka Eebbe (sw).

Top