Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 255 January 27, 2003

BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Khabiirka Switzerland U Qaabilsan Xalinta Khilaafaadka Oo Mudane C/Qaadir Jirde Ku Marti-Qaaday Shirka Mustaqbalka Koonfurta Sudan

Golaha Deegaanka Ee Boorama Oo Doortay Maayar Iyo Maayar-Ku-Xigeen

7-Arday Oo Degmada Sheekh Ku Guuleystay Imtixaankii Gelitaanka D/Sare Ee Sheekh (SOS)

Cumar Cilmi Dixood Oo Loo Magacaabay Arrimaha Aqoonsiga Somaliland

Guddiga Shuruucda Ee G. Wakiillada Oo La Kulmay Guddiga Ansixinta Ururrada

Golaha Guurtida Oo Cambaareeyay Weedho Ka Soo Yeedhay Kooxaha Soomaalida Ee Lagu Shiranayo Eldoret

"Waxaan La Yaabanahay Sababta Labada Gole (Baarlamaanka) Ay U Magacaabi Waayeen Guddigii Baadhista Arrintii Laas-Caanood"

"Mishiino Xumaaday Ama Qasabado Jabay Midna Ma Jiro, Balse Waxa Jirta Biyo Qaybin" - Wareysi - Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ee Hargeysa

Yaabka Dunida Maxaad Ka Ogtahay?

"Saddexda Arrimood Ee Uu Wasiirku (Daaniye) Yidhi, Waxaan Ka Idhi..."

Garoonka Siyaasadda Ee Somaliland Oo Jaajka La Isu Quturay, Maxaa Ka dhallan Doona?

Reer Burcow Cagta U Dhigga

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Wakhtiga Rayaale Iyo Waayaha Siyaasadda Ee Somaliland

Masuulku Maaha Inuu Tusmo-Habaabo

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

WAADIGA CIYAARAHA

Real Sociedad Oo Sii Adkaysatay Hogaanka La Liga Spain

Madaxa Kooxda Manchester City Keegan Oo Doonaya Soo Xero-Gelinta Pauletta


BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Armay Arintu Noqotaa Kud Ka Guur Oo Qanjo U Guur

Sida la ogyahay doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland ka dhacday 15-kii Diisambar waxay ahayd mid ku dhacday jawi aad u nabdoon, iyadoo ay doorashadaa ka qayb galeen lix urur siyaasadeed, waxayna dadweynaha ujeedadoodu ahayd inay doortaan dadkii xilka golayaasha degaanka iyo maamulka dawladaha hoose u wadi lahayd, taasina waxay ahayd markii u horaysay ee ay dadka reer Somaliland wax doortaan ilaa muddo qarni badh ku dhow.

Himilooyinka laga lahaa doorashada golayaasha degaanka waxa ka mid ahaa inay dadka degmo kasta ku nooli ikhtiyaarkooda kula soo baxaan cidii danahooda degnimo ka shaqayn lahayd.

Xubnaha golayaasha degaanka ee soo baxay waxay bedelayaan ama bedeleen maamuladii ay wasaaradda arimaha guduhu soo mgacaabi jirtay ee ay madaxda ka ahaayeen maayarka iyo maayar-kuxigeenku. 

Halkii ay dawladda hoose maamuli jireen maayarka, maayar-xigeenka iyo xoghaya fulinta ee ay awoodda iska lahaayeen awelow aakhir hadda waxa awoodooda xadidaya xubnaha golayaasha degaanka oo maayarka iyo kuxigeenkiisa marka horena soo dooranaya, marka dambena koontaroolaya hawlahooda maamul.

Degmooyinka Somaliland waxa loo qaybiyey saddex heer oo kala ah A, B iyo C, laakiin meesha ugu yar oo ah C-da waxa uu goleheeda degaabku ka kooban yahay 17 xubnood, laakiin su’aalo dhawr ah ayey dadku iswaydiinayaan, waxaana ka mid ah marka hore axsaabtu golaha ma keeneen dad u qalma golayaashan, ta labaadna ma noqon doonaan kuwo wax ku soo kordhiya ama ka bedela xaaladaha maamul ee degmooyinka dalka, iyadoo had-ba waxa ay noqdaan golayaasha degaanku ay saamayn ku yeelan doonto mabaadi’da nidaamka axsaabta ee aad moodo inay dadku waqtigan xaadirka ah laabta u garaacayaan.

Arimaha golayaasha degaanku inkasta oo aanay weli gaadhin marxalad lagu qiimeeyo, hadana durba soo baxay ifafaale farta ku fiiqaya saluug dhinaca golayaasha degaanka hadii ay tahay tayada xubnaha iyo hadii ay tahay dabeecadaha dhaqdhaqaaqooda ka soo uray-ba, waxayna dad badani durba qabaan werwer macnihiisu yahay "Armay arintu inagu noqotaa kud ka guur oo qanjo u guur."

Marka la eego dareemada ilaa hadda muuqday waxay dadka qaar ka baqayaan in xisbinimadii lagu soo baxayba la ixtiraami waayo oo ay arintu noqoto "Mar hadii aan kursigii ku fadhiistay xisbina ma ihiye nimaan ahay baan ahay".

Ta kale iyadoo uu waqtigan xaadirka ah dhaqaalaha dalku guud ahaan iyo gaar ahaan-ba aad u liito ayey dadka qaar leeyihiin "waar golayaashan degaanka ee soo kordhay armuu dhaqaalaha yar ee dawladaha hooseba iligtooda ku filaan waayaa."

Amuurta saddexaad ee walaaca lihi waxa kale oo ay tahay xubno door ah oo isu soo sharaxay kuraasta maayarka iyo maayar-xigeenka tayadooda waa la suluugay, taasina waxay dad badan ku dhalisay su’aal ah "Waar malaa waxba maynu korodhsan". Laakiin bal aynu maalmaha soo socda eegno sida xaal noqdo.

Top


Khabiirka Switzerland U Qaabilsan Xalinta Khilaafaadka Oo Mudane C/Qaadir Jirde Ku Marti-Qaaday Shirka Mustaqbalka Koonfurta Sudan

Hargeysa (Haatuf): Wakiilka sida gaarka ah ugu qaabilsan wasaarada arrimaha dibadda ee Switzerland, xalinta khilaafaadka, Joseph Buchar, ayaa hore uga codsaday K/Xigeenka Gudoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland, Mudane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde, inuu ka soo qayb galo shir magaalada Nayroobi loogu qaybanayay Qowmiyadaha ku nool koonfurta Suudaan, sidii ay mustaqbalka u dhisan lahaayeen dawlad, taas oo uu codsaday Joseph in looga faa’iidiiyo qowmiyadaha koonfurta Suudaan waayo-aragnimadan ay soo martay Somaliland dhinaca nabadaynta iyo wadaaga talada ee ay Somaliland soo martay si ay uga faa’iidaystaan dadka ku nool Koonfurta Suudaan, xubno ka socday oo tiradoodu ahayd ilaa 50 qof oo shir loogu qabtay Nayroobi 17-19-kii bishan Jeenaweri ee sannadkan.

Mudane C/qaadir Jirdeh oo arrinta ka sheegay warbixin uu siiyay kulankii shalay ee Golaha Wakiillada Somaliland oo uu gudoomiynayay C/qaadir Jirdeh, wuxuu intaa ku daray in kulankii lagu martiqaaday ee Nayroobi uu u xilsaaray ka qaybgalkiisa Ambaasadoor Cawil oo ah wakiilka Somaliland ee Kiiniya oo shirkaa ka qaybgalay, kana jeediyay waayo aragnimadii ay Somaliland soo martay dhismaha nidaamkooda iyo qaab-dhaqameedka ay ku xaliyeen khilaafaadka, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay Ambaasadoor Cawil.

Kulankaas loo qabtay Qowmiyadaha ku nool Koonfurta Suudaan, waxaa isna ka soo qaybgalay dhexdhexaadiyaha Shirka Eldoret oo sida uu C/qaadir Jirde ka soo xigtay Ambaasadoor Cawil, sheegay in aan Somaliland lagu soo qaadin Shirka Eldoret.

Top


Golaha Deegaanka Ee Boorama Oo Doortay Maayar Iyo Maayar-Ku-Xigeen

Boorama (Haatuf): Barqanimadii shalay ayay kulan isugu yimaadeen xubnihii loo doortay golaha deegaanka ee degmada Boorama, intoodii badnayd. Kulankaas oo ka dhacay xarunta Dawladda Hoose ee magaalada Boorama, waxaa kaloo goob-jooga ka ahaa Badhasaabka Gobolka Awdal uga masuulka ah Dawladda Somaliland, Maxamuud Sh. Cabdillaahi iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal.

Weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal, Maxamed Cumar oo warkan Haatuf uga soo diray Boorama, ayaa sheegay in kulankaas shalay uu furitaankaasi dhiirigeliyay Badhasaabka Gobolka Awdal, Maxamuud Sh. Cabdillaahi, kadib markii uu laba jeer oo hore loogu balamay uu u qabyoobay xubno ka tirsan Deegaanka Golahaas la doortay oo aan goobtii balanta ka soo daahirin.

Weriye Maxamed Cumar, waxa uu intaa ku daray in 14 xubnood oo ka mida 21-kii xubnood ee loo doortay Golaha Deegaanka ee Degmada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ee Somaliland ay ka soo qaybgaleen kulankii shalay, iyadoo ay coddeyntu bilaabantay kadib markii loo doortay shir-gudoomiye kulankii shalay ee golaha deegaanka ee Boorama, Maxamuud Jaamac Hadi oo ka mida xubnaha Golaha Deegaanka, isagoo loogu doortay Shirgudoomiye-nimada Maxamuud Jaamac Hadi oo ahaa xubinta ugu da’da weyn xubnihii kulankaa ka qaybgalay.

Warku wuxuu intaa ku daray in coddeyntii xubnaha kadib uu ku guulaystay jagada Maayornimada Degmada Boorama, C/raxmaan Sh. Cumar oo ka tirsan xisbiga UDUB, isagoo ka guulaystay musharax kale oo isna ka tirsan isla xisbiga UDUB oo ah Axmed Muumin Dhoolaal. Waxaa isaguna ku guulaystay jagada k/xigeenka Duqa magaalada Boorama, C/llaahi Cali Coofle.

Weriye Maxamed Cumar, wuxuu intaa raaciyay in aanay jirin cudur-daar la cadeeyay oo xubnaha aan ka soo qaybgelin kulankaasi Golaha Deegaanka ee Boorama oo si rasmiya loo ogaa.

Top


7-Arday Oo Degmada Sheekh Ku Guuleystay Imtixaankii Gelitaanka D/Sare Ee Sheekh (SOS)

Sheekh (Haatuf) xaflad lagu maamuusayay 7 arday oo ku guulaystay imtixaankii laga qaaday 27-ka arday oo degmada Sheekh uga qayb galayay saamigiii ay ka heleen dugsigii sare ee Sheekh ee ay maamulayso hay’adda SOS ayaa shalay ka dhacday degmada Sheekh waxaana ku guulaystay inay galaan kaalinta Degmada Sheekh ee Dugsigaa 7 arday oo ahaa kuwii ugu derejada sareeyay ardayda oo kala ahaa, Maxamed Cali Yuusuf, Axmed Nuur Jaamac, C/laahi Cali Maxamed, Subeer Ciise Maxamed, C/Risaaq Xuseen Caydiid, Liibaan Ciise Maxamed, C/Wahaab Maxamed Ibraahim, waxaana xafladaa ka soo qayb galay sida warku sheegay masuuliyiinta cusub ee degmada iyo waalidiin kale.

Dugsiga Sheekh oo ay maamulayso hay’adda SOS waxa la filayaa in la furo 27-ka Bishan oo maanta ah. Waxaana galaya oo wax ka baranaya 50 arday oo ka kala yimid dhamaan gobolada dalka kuwaasoo sida uu Haatuf u sheegay C/laahi Ashcari oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda SOS waxa ardaydaa oo ahayd 100kii ugu derejada sareeyay imtixaanadii dugsiyada dhexe ee dalka, mar kale imtixaan ka qaaday hay’adda SOS waxaana imtixaankaa lagu soo saxay dalka Koonfur Afrika.

Wuxuuna Ashcari sheegay inay isku mid noqdeen natiijadii imtixaankii wasaarada ee ardaydaa iyo kii ay hay’addu ka qaaday ee lagu soo saxay Koonfur Afrika isagoo arday waliba galay kaalintii uu ka galay imtixaankii wasaaradda, taasoo ay ka marakacayso sida caddaalada ah ee lagu soo xulay ardaydaa.

C/laahi Ashcari wuxuu sheegay inaanu xulitaanka ardaydau wax musuqmaasu ah ku lug lahayn wuxuuna u mahad naqay wasaaradda waxbarashaada iyo macalimiinta Somaliland oo uu ku amaanay sida ay u guteen waajibkoodii waxbarasho, marka loo eego caalamka iyadoo waxbarashadani ka maqanyihiin adeegii waxbarasho ee suurta galin lahaa wax badan.

Top


Cumar Cilmi Dixood Oo Loo Magacaabay Arrimaha Aqoonsiga Somaliland

Hargeysa (Haatuf) Cumar Dixood Oo ka mid ah dadka reer Somaliland ee qurbaha muddada dheer ku noolaa ayaa loo magacaabay inuu noqdo ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland u qaabilsan arrimaha Ictiraafka dalka Somaliland.

Sidaas waxa shalay wargeyska Haatuf u sheegay ilo lagu kalsoonyahay oo ku dhaw Cumar Cilmi Dixood oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa.

Cumar Dixood oo ugu yaraan dhawr iyo labaatankii sanadood ee u dambeeyay degenaa magaalada London, sida laga war qabo wuxuu sanadihii sideetanadii ka soo qaatay hawlihii xidhiidhka dibadaha ee halgankii SNM waxaanu sanadahan danbe ka mid ahaa ragga waqtiga badan siiya u ololaynta sidii dalka Somaliland u heli lahaa ictiraaf caalamiya.

Cumar Dixood oo markiisii hore soo bartay cilmiga dhakhtarnimada dadka wuxuu intii aan xilkan loo magacaabin ku dhaliili jiray maamulka Somaliland inuu ka gaabsaday sugitaanka xuduudaha bari ee dalka isaga oo dhawaanahan ku baaqayay dhawr jeer in ciidamada Somaliland la geeyo xuduudahaas, iyada oo qaar ka mid ah dadka indha indheeya arrimaha siyaasadda mar wax laga weydiiyay ay sheegeen in laga yaabo in Cumar Dixood u yahay nin hawl kar ah oo xoojin kara sumcadda madaxweyne Daahir Rayaale balse ay hawlaha ergayga khaaska ahi ay waxtar yeelan karaan oo kaliya haddii ay xukuumaddu sugto xuduuda dalka ee dhinaca bari.

Top


Guddiga Shuruucda Ee G. Wakiillada Oo La Kulmay Guddiga Ansixinta Ururrada

Hargeysa (Haatuf): Guddida Shuruucda ee Golaha Wakiillada Somaliland iyo guddida ansixinta ururada iyo axsaabta, ayaa shalay xarunta golaha wakiillada ku yeeshay shir albaabadu u xidhan yihiin oo muddo dhawr saacadood ah qaatay.

Gudoomiyaha Guddida Shuruucda ee Golaha, Mudane Faysal Axmed Maxamed oo aanu kulankaa wax ka weydiinay ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo waxyaabaha ay ka wada hadleen guddida ansixinta ururada iyo axsaabta, hase yeeshee wuxuu tibaaxay in ay guddidu dabagal ku samaynayeen shuruucda uu goluhu Ansixiyay sida loogu dhaqmayo, isla markaana natiijada kulamadan ay golaha u gudbin doonaan, iyadoo xubno xog-ogaal ah oo ka qayb galay kulankaasu sheegeen in ay kulan kan ka mid ah la yeelanayaan maanta guddida doorashooyinka Qaranka.

Dhinaca kale, ilaa 20 xeer oo ay golaha wakiilladu ansixiyeen ayaa inta badan lagu dhaliillaa doodaha goluhu in aanay ku dhaqmin oo ay yihiin oo keliya kuwo ku qoraa waraaqo. Laakiinse arrintaa oo ay qaar ka mid ah mudanayaashu ku dhaliilleen xukumaddu in aanay fulin oo meel marin sharciyadaa, waxaynu eegi doonaa waxay guddidani ka bedesho marka ay golaha wakiillada soo hordhigaan wixii ka soo baxay kulamadaas ay ku daba gelayaan sida loo fuliyay sharciyadii ay goluhu ansixiyeen.

Top


Golaha Guurtida Oo Cambaareeyay Weedho Ka Soo Yeedhay Kooxaha Soomaalida Ee Lagu Shiranayo Eldoret

Hargeysa (Haatuf): Guddida Shuruucda ee Golaha Wakiillada Somaliland iyo guddida ansixinta ururada iyo axsaabta, ayaa shalay xarunta golaha wakiillada ku yeeshay shir albaabadu u xidhan yihiin oo muddo dhawr saacadood ah qaatay.

Gudoomiyaha Guddida Shuruucda ee Golaha, Mudane Faysal Axmed Maxamed oo aanu kulankaa wax ka weydiinay ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo waxyaabaha ay ka wada hadleen guddida ansixinta ururada iyo axsaabta, hase yeeshee wuxuu tibaaxay in ay guddidu dabagal ku samaynayeen shuruucda uu goluhu Ansixiyay sida loogu dhaqmayo, isla markaana natiijada kulamadan ay golaha u gudbin doonaan, iyadoo xubno xog-ogaal ah oo ka qayb galay kulankaasu sheegeen in ay kulan kan ka mid ah la yeelanayaan maanta guddida doorashooyinka Qaranka.

Dhinaca kale, ilaa 20 xeer oo ay golaha wakiilladu ansixiyeen ayaa inta badan lagu dhaliillaa doodaha goluhu in aanay ku dhaqmin oo ay yihiin oo keliya kuwo ku qoraa waraaqo. Laakiinse arrintaa oo ay qaar ka mid ah mudanayaashu ku dhaliilleen xukumaddu in aanay fulin oo meel marin sharciyadaa, waxaynu eegi doonaa waxay guddidani ka bedesho marka ay golaha wakiillada soo hordhigaan wixii ka soo baxay kulamadaas ay ku daba gelayaan sida loo fuliyay sharciyadii ay goluhu ansixiyeen.

Top


"Waxaan La Yaabanahay Sababta Labada Gole (Baarlamaanka) Ay U Magacaabi Waayeen Guddigii Baadhista Arrintii Laas-Caanood"

Mudane C/qaadir Maxamed Xasan (Golaha Guurtida)

Hargeysa (Haatuf) Mudane C/Qaadir Maxamed Xasan (Indho) oo ka tirsan golaha Guurtida ee Somaliland kana soo jeeda beelaha Somaliland ee gobolka Sool ayaa shalay soo gaadhsiiyay qoraalkan hoos ku qoran oo uu kaga hadlayo gobolka Sool, booqashadii M/weyne Rayaale ee gobolkaas iyo talaabooyinka ay ka qaadatay dawladda Somaliland ee ay ansixiyeen golayaasha sharci dejinta ee Somaliland oo ah xukun deg dega oo la saaray, qoraalkan Mudane C/Qaadir ((Indho) wuxuu u qornaa sidan:-

"Waxaan aad ula yaabanahay sababta labada shir gudoon u magacaabi waayeen gudidii baadhista ahayd ee labada gole ee baarlamaanku ansixiyeen ee maalin lala ansixiyay xeerkii deg dega ah gudigaas oo ahayd in ay baadhis ku sameeyaan falkii ka dhacay Laas-caanood.
Suura galna ma noqon doonto in go’aanada golayaasha qaarna shaqeeyaan qaarna shaqayn waayaan.

Waxaa kale oo udheer shacbiga Sool oo runtii madaxweynaha soo dhaweeyay, in loo abuuray cadaawad aanay gayin.

Arrimahaas iyo beeno kale oo fara badan ookuwaa ka darana waxaa sameeyay wasiirada madaxweynaha qaar ka mida mana jirto dagaal ay ku soo qaadeen madaxweynaha reer Laas-caanood, & mid kale toona ee waxa dalka ku soo duulay dawladda Garoowe ka dhisan.

Arrimahaas oo dhan sidii ay u dhaceen waxaan soo jeedinayaa in labada shir gudoon magacaabaan.

Guddigii baadhista ahaa ka dibna laba ay mid noqoto arrin sidaa wasiiradda qaar sheegayaan beeshu qabto & arrin maamul xumo ah oo dawladdu leedahay.

Duulaankaasi Garoowe wuxuu anigu u arkaa markii ay arkeen qolada reer Garoowe in shacbiga Sool gacantooda ka baxay ka dib weftigii salaadiinta in ay ugu talo galeen inay mar labaad kale fogaanshihii soo celiyaan waxa kale oo ujeedadoodu ahayn inay doorashada ka hakiyaan oo aanay ka dhicin, iyo inay yidhaahdaan madaxweynihii somalilaand waanu eryanay.

Arrimahaas oo dhami way u suura galeen haddaba waxaan kaga baxayaa in si dhab ah loo sugo xuduudaha dawladuna shaqadeeda ka qabsato si deg dega baanka la saarayna yaanu noqon mid goyn ah ee uu noqdo mid toosin ah oo lagu toosinayo wixii hawlo ah ee khaldanaa ee dawladdu waday.

Ugu dambayn waxaan madaxweyne Rayaale u soo jeedinayaa in uu gobolkaas u sii daayo riigii biyaha macaan u qodayay oo shacbigu baahi weyn u qabaan" 

Top


"Mishiino Xumaaday Ama Qasabado Jabay Midna Ma Jiro, Balse Waxa Jirta Biyo Qaybin" - Wareysi - Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ee Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Iyadoo biyo yaraani ka jirto qaybo ka mid ah xaafadaha Caasimadda Hargeysa, si aanu arrintaa wax uga ogaano waxa aanu arrimahaa iyo arrimo kaleba xog-waraysi kala yeelanay Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Cumar Boobe Xandule.

Waxaanu xog-wareysigaasi u dhacay sidan:

S: Waa maxay sababta keentay biyo la’aanta ka jirta qaar ka mid ah xaafadaha Hargeysa?

J: Biyo yaraani wakhtiga qaarkii way dhici kartaa, laakiin biyo la’aani wakhtigan ma jirto. Waayo, mishiino xumaaday ama Qasabado jabay midna ma jiro, balse waxa jirta biyo qaybin oo magaalada habeenba qayb baa la waraabshaa, wixii dooxa oogo ka xiga nin baa qaabilsan, dhinacan kalena nin baa qaabilsan, wixii ku yimaadana nimankaas baanu ka waraysanaa. Waxa jira nimanka kaagaga haya ama kaalmaha haysta, ayaa shaqaalihii la eryay iyo dad kaleba adeegsada oo ku yidhaahda kaagaga xidha meelaha qaarkood. Dabadeedna, si aanu taas wax uga qabano, waxa aanu adeegsanay ciidanka Sirdoonka Qaranka, oo cadeeyay in ay arrintaasi jirto, laakiin ciidanku ilaa iyo hadda cid ay soo qabteen ma jirto mid ka baxsaday mooyaane, Ciidankuna way soo xaqiijiyeen in arrintaasi jirto, anaguna wakaalad ahaan dhinacayaga baadhis iyoi daba-galba waanu wadnaa, cidii arrintaasi ku cadaatona waa dembi oo sharciga ayaa la hor keenayaa.

S: Waxaa la sheegay beryahan dambe in aan shaqaaluhu soo marin guryaha oo aanay soo eegin saacadaha, balse ay iyagu (Shaqaaluhu) iska qiimeeyaan, taasina ay dhaliso muran, maxaa ka jirta arrintaa?

J: Shaqaalaha imtixaan waa laga qaaday oo shaqaale dhimid ayaa jirtay sidaad ogtihiin, markaa shaqaalaha iminka aniga ila shaqeeyaa way soo qoraan saacadaha, anaguna waanu kaantaroolnaa. Tusaale ahaan; nin oday ah baa maalin arrintaas ka murmay oo yidhi biil layma keenin, kadibna inankii biilka geeyay baanu u yeedhnay, markaasuu inankii yidhi sawnigii warqadii biilka u dhiibay gabadha heblaayo hebel la yidhaa. Dabadeedna, odaygii intuu xanaaqay buu yidhi; "aniga ayaa gabadha dhalay ee yaa ku baray magaceeda."

S: Miyaa la kordhiyay biyaha qiimihii la siin jiray, waayo biyoolayaashu qiime qaali ah ayay siiyaan biyaha beryahan dambe?

J: Anagu biyaha maanu kordhin qiimahooda, balse waxa naloo sheegay in ay dameeradu kordhiyeen, kadibna si aanu wax uga qabano waxaanu dameerada u samaynay lambar uu ku qoran yahay qiimaha ay siinayaan biyaha oo aanu xaga dambe kaga dhajinay dameeraha biyaha, markaa way jiraan qaar ka fura lambarkaas, markaanu is nidhaahno wax ka qabtana dadweynaha ayaa dhiiri gelinaya oo yidhaahda siidaaya.

S: Miyuu jiraa sharci aad wax kaga qabanaysaan biyaha arrintaa kordhinta biyaha qiimahooda?

J: Haa, sharci baanu ka soo saarnay, sharcigaas baanu wax kaga qabanaynaa kagana qabanaa cidii isku dayda in ay samayso arrintaas.

S: Waa imisa ceelasha ay magaalada ka cabto, mase jiraan ceelal cusub oo aad ku kordhiseen inta iminka laga cabo?

J: Ceelasha ay magaalada ka cabi jirtay waxa ay markii hore ahaayeen 8 ceel, waxa lagu kordhiyay 4 ceel oo iminka labo laga cabo, labada kalena muddo dhawr cisho kadib ah laga cabi doono labadaasi ceel oo kuwii hore ku soo biiraya; afartaasi ceel waxa bixisay kharashkooda Dawladda Talyaaniga oo soo marisay EU-da. EU-duna waxay sii siisay hay’adda UNHCR. Markaa Dawladda Talyaanigu wixii ay bixiso waxay kontaraaga ku siisaa hay’adahooda wadaniga ah oo Talyaanigooda ah, waxayna kontaraagii siiyeen Afrikan 70 hay’ad la yidhaahdo oo Talyaani ah, taas ayaana wada imika mashruucaas.

S: Marka laga yimaado ceelashan afarta ah, maxay kale oo ay qaban doontaa ama idinku caawisay hay’addani Talyaaniga ahi?

J: Hay’addani, waxay inoo ballan qaadeen in ay inoo keenaan shan mishiin oo dabka ah oo midkiiba yahay 330kva awoodoodu, halka ceelasha iminka uu ceel walba isticmaalo mishiin gaar ah oo awoodiisu tahay 40kva ceelashaas laba iyo tobanka ah. Markaa waxa laga baxayaa baahidii mishiinada badan, mashiinadaasna waxa aanu filaynay in ay 01 jeenaweri 2003 ina soo gaadhaan, balse kirismas bay noqotay, waxaanuse sugaynaa in ay dhakhso inoo soo gaadhaan iminka.

S: Ugu dambayn waa imisa guud ahaan shaqaalaha Wakaaladda Biyuhu?\

J: Shaqaalaha tiradooda guud waa 267-qof oo ka hawlgala 4 waaxood iyo saddexda saldhig ee biyo soo saarka.

Top


Yaabka Dunida Maxaad Ka Ogtahay?

1- Steven North ayaa telefishinka BBC-da ka soo daayey sida uu indhihiisaugu qaloocin karo fargeetada birta ah, taas oo ay fargeetadii qaloocatay markii indhihiisa ku eegay, laakiin steven markii uu barnaamijkiisa ka sii daynayey Telefishinka waxa daawanayey Richard Kachler oo ay da’diisu ahayd 9 jir, wuxuuna TV-ga ka daawanayey gurigooda oo ku yaal magaalada Shefeild ee dalka Britain.

Richard waxa uu isku dayey bal inuu isna samayn karo sida uu steven yeelay, wuxuuna soo qaatay fargeeto, ka dibna markii uu Fargeetadii si aad ah u eegay ayeyba qaloocsantay. Laakiin Richard Aabihii waxa uu maamule ka ahaa dugsiga sare ee la yidhaahdo High field oo ku yaal Shefeild, ka dibna Richard Aabihii markii uu arkay waxa uu sameeyey wiilkiisu ayuu u qaadan kari waayey, dabadeedna inta uu soo qaaday fargeeto aad u adag ayuu wiilkiisii ku yidhi " Bal tana sidii u qalooci", ka dibna Richard isla markiiba wuu qaloociyey, dabadeedna xiligaa laga bilaabo Richard wuxuu bilaabay inuu wixii uu qaloocin karayoba qaloociyo, isaga oo dadka TV-ga uga soo bandhigay kartidiisa ah inuu wax qaloocin karo. Laakiin Richard markii uu barnaamijkiisa telefishinka BBc-da ka soo daynayey waxa la socotay hooyadii, ka dibna waxa la waydiiyey su’aal ahayd "Sidee baad u aragtaa wiilkaagu waxa uu samaynayo", waxayna ku jawaabtay "Anigu isaga kama werwersani ee waxaan ka werwer qabaa malqacadahayga iyo fargeetooyinkayga, waayo ilaa hadda waxa uu iga marayaa 35 malqacadood iyo fargeetooyin isugu jira, sidaa darteed waxa hadda nagu soo hadhay intii aanu aniga iyo Aabihii iyo isagu wax ku cunaynay oo qudha, intaasna mar walba meel baan ku xidhaa, markaa wiilkayga waxaan ka codsanayaa inaanu iga qaloocin inta yar ee ii soo hadhay."

"Wiilkayga Richard dadka qaar ayaa guriga ugu yimaadda oo ka codsada inuu tuso sida uu wax u qaloocin karayo markaas ayuua malqacadaha ioy fargeetooyinka guriga yaal inta uu soo qaado qaloociyaa, sidaa darteed dadka doonaya inuu tuso sida uu wax u qaloocin karayo ha soo qaateen qalabka ay doonayaan in qaloocintooda la tuso"ayey Richard hooyadii hadalkeeda ku soo xidhay. Laakiin Richard ayaa isna la waydiiyey kartida uu wax ku qaloocin karayo, wuxuuna yidhi " Aad bay u fududahay, waayo marka ay awoodi ku dhex-abuuranto ee aan si qoto dheer u eego malqacadda ama fargeetada way qaloocsantaa, waxayna igu qaadataa ugu badnaan laba daqiiqo inaan eego, laakiin mararka qaarkood marka ay maskaxdu I daallan tahay awoodda ayaa iga yaraata oo ma qaloocin karo, markaa wuxuba waa aniga oo maskaxda ku dhex-abuura, laakiin sababta aan gacmahayga ugu qabtaa waa si aan dadka u tuso, balse aniga oo aan gacan saarin ayaan qaloocin karaa."

Richard hooyadii ayaa la waydiiyey inay arintu tahay sida uu wiilkeedu sheegayo, waxayna tidhi "Waa runtii oo shaygu isaga oo ka fog ayuu isaga oo gacanta saarin qaloocin karaa, wuxuuse qaloocin karaa marka uu si qoto dheer u eego".

2- Waxa jirta qoomiyad la yidhaahdo Jukshi (chukchi), qoomiyadaasi caruurta ay dhalaan waxay dhexda kaga xidhaan Koor, sababta ay caruurta koorta dhexda ugaga xidhaana waxay tahay xiliyada ay ceeryaamadu jirto ee ay caruurtu lunto si loo maqlo dhawaaqa koorta, ka dibna ilmaha loo helo.

3- Ninka la yidhaahdo Cloud Noy Thought waxa uu dhashay sannadkii 1787-kii, wuxuuna dhintay 1861-kii, Cloud Noy waxa uu ahaa hogaamiyihii ciidamadii boqorkii la odhan jiray Napoleon, laakiin maalin maalmaha ka mid ah ayuu Cloud ugaadhsi tegay, ka dibna wuxuu la kulmay baha sha Yey-da la yidhaahdo, wuxuuna ku riday rasaas, wuuna dhaawacay, laakiin Yey-gii isaga oo dhaawac ah ayuu baxsaday, balse intaa kagama hadhin ee wuu baadi doonay, ka dibna inta uu lug ka bilaabay meesha la yidhaahdo Ficksin oo ku taal dalka Faransiiska ayuu lugtii ku galay meesha la yidhaahdo Bresselis ee dalka Beljimka, wuxuuna jidka uu qaaday dhererkiisu ahaa 60 KM., waxayna Cloud da’diisu ahayd 70 Jir.

Top


"Saddexda Arrimood Ee Uu Wasiirku (Daaniye) Yidhi, Waxaan Ka Idhi..."

Cali Guuleed (Cali-maarshaal), San Jose, California

Maqaalka uu ku qoray Axmed Jaamac Bootaan (Daaniye) Jariidadda Jamhuuriya wuxuu ahaa mid aan nuxur lahayn oo naxdin xambaarsan, waa mid dira-diraale ah, waa mid ku liddi ah qun-yar socodka nabadgelyada lagu soo hooyay ee lagu hirgaliyey Somaliland, waa mid ka weyn wax nin wasiir sheeganayaa afkiisa soo mariyo. Runtiina waa mid nasiib darro ah.

Sidaa awgeed, haddii uu wasiirku inuun sharaf leeyahay, waa inuu iscasilaa. Haddii uu isagu garan waayo mansabka uu dawladda u hayo, waa in uu Madaxweyne Rayaale sharafta ka xayuubiyo, kuna dhawaaqaa in aanu fikradda wasiirka la qabin.

Wasiirku waxa uu ka hadlay wax uu ku sheegay Isaaqiism, doorashadii dalka ka dhacday iyo duruufihi loo soo maray nabadgelyada dalka saameysay, Saddexdaa arrimood ee wasiirku ka hadlay waxa aan ka idhi sidan hoose ku qoran:

1. "Isaaqiism"
Horta marka hore erayga "Isaaqiism-ku" waa eray ay ku gabraartaan dadka ka soo horjeeda jiritanka, nabadgelyada iyo heshhiiska ka dhexdhacay beelaha reer Somaliland. Ujeeddada ay ka leeyihiin waxa weeye sidan: a) in Somaliland astaan loo yeelo qabiil ah oo ka fog mid qarannimo, b) in loo ekeysiiyo meel qabiil weyni (Isaaq) uu qabiilo yar-yar xuurto xaaran ah ku haysto, c) in mar saddexaadka adduunweynaha laga dhaadhiciyo dacaayaddan "isaaqismka" oo loo dhigo in Somaliland gooni isu-tageeda aan cid aan isaaq ahayni aaminsanayn.

Nasiib-darro dad badan oo u horseeday, geed sare iyo mid hoosabana u foolay in ay Somaliland ku cambareeyaan, kuna kala soocan wax la yidhaahdo qabiil ku saleeysan "Isaaqiism" waxa ay maanta ku shirbeynayaan oo ku shaadaleynaya iyagoo ku sheekeynaya "maxaan iddiin sheegaynay" iyagoo cuskanaaya cambaareynta ka soo yeedhay wasiirka. 

Dacaaydani haddaba in aanay wax ka jirin waxa kuu cadeynaysa arrimahan:

a) Shan mansab oo ka mid ah kuwa ugu sareeya dawladda Somaliland oo ay ka midyiin mansabka Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Afhayeenka Baarlamaanka, Guddomiyaha Maxkamadda Sare iyo qaar kaleba waxaa ka soo jeeda mudanayaal aan ku abtirsan beesha Isaaq. Halkaa waxa ka cad in aanay jirin reer kursi ku xudun xidhay.
b) Sooyaalka taariikhda waxa aynu ka turjumanay in waxa qabiil ku saleysani meel uu ku joogsado aanay jirin, ee wuxuu kala qeybiyaa laba wada dhashay, sidaa awgeed wax la yidhaahdo qabiil baa meel ka soo wada jeeda isaaq ha noqdo amaba mid kalaba-eh ma jiro.
c) Reerka Isaaqu dagaalkii ay ku qaadeen taliska fashiista ahaa ee Siyaad Barre, ujeeddadu waxa ay ahayd in cadaallad lagu wada dhaqmo. Midh kaasi in ay hirgeliyaana inay ka go’an tahay waxa kuu cadeynaaya qeybta ay beelaha aan isaaqa aheyni ku leeyihiin talada Dalka
d) Waxa iyana arrintaa ka markhaati furaya doorashooyinkii Deegaanka (localka) ahaa in uu xisbiga uu hogaaminayo Rayaale uu ka soo jeeda beelaha aan Isaaqa aheyni uu qeybtii ugu weynayd ka helay.
e) Sidoo kale, arrinta Isaaqiismka in aanay waxba ka jirin waxa ka markhaati-furay Rayaale.
Halkaa waxa ka cad arrintan in wasiirku ku dhaleecaynayo dadka siyaasada kaga soo horjeeda. Hase yeeshee waxa uu ilaabay in dacaayaddani tahay mid bar kuma taal ah oo aad u rakhiisa. Mar labaadka waxa uu dhaleeceeyay Somaliland oo uu dusha ka saarey dambi aanay galabsan. Markaa waxa qudha ee erayada wasiirka laga dheegan karaa waxa weeye in uu la aragti yahay kuwa doonaaya inay damiyaan illayska muuqa dheer ee ka oogan Somaliland

2. Doorashada:
Doorashooyinka uga dhacay Somaliland, sida nabadgelyada ah, tartanka aan turxaanta lahayn ee lagu soo afjaray, mahadeeda dadka reer Somaliland ayaa iska leh. Doorashooyinka wixii ka soo baxay, haddii ay axsaabta qaarkood ku cawdaan in aanay si xalaal ah u dhicin, fartana ku fiiqaan halka laga qaloociyay, waa mid daw ah in laga gar bixiyana iyadoo loo adeegsanayo xeerka ummadda u yaalana waa mid waajib ah. Wasiirku miyuu halmaamay in dacwad la isku soo oogaa ay ka mid tahay dhidibyada ay ku dhisan tahay Dimuqraadiyadda ay Somaliland ku caano maashay. Wasiirku miyuu halmaamay, mudici iyo madacalay, iyo garsoor aan eex lahayni in ay xeerka Soomaalidu ku dhaqanto ka mid yahay.

Wasiirka waxa aan ka dhandhansanay in uu weli aaminsan yahay dawladda lagama daba hadli karo. Dawlad aan laga daba hadli karini waa ta halkaa ina joojisay iyo tii faqashta Siyaad Barre. 

3. Duruufihii loo soo maray Nabada taagan Manta (Madaxweyni Raayale vs. Musa Bixi)
Madaxda hogaaminaysa ummadda Somaliland, wasiir u adeegaya, guurtida, madaxda iyo mujaahidiinta u soo halgamayba waxa ay mutaysteen sharafta in lagu maamuuso. Hase yeeshee kursi lagu fadhiisto ficil aan la kasban, iyo magac aan loo qalmin oo la sheegtaa maamuus ma keenaan hadaan munaafaqnimo ku jirin. Tartanka maanta doorashooyinka loogu jiro, ninka ka soo qaybgala iyo ninka mansab ka haya dawladda ee siyaasad u soo babac dhigay in la qodqodo xumo iyo wanaag mid kastaba ha ahaatee mid kastana ha ahaadee mid daw ah oo aan deelqaaf ahayn. Af joogana loo ma adeego, taasi waa guulwadeynimo, ee nin waliba waxa uu xaq u leeyahay in uu iska daadafeeyo xumaha lagu soo oogay, wuxuu doorasho ugu qalmana dadka ka dhadhiciyaa. 

Ninka kursi dawladnimo soo doonta, shacbiga ayuu u soo shaqa doontay. In Shacbigu ay weeydiiyan waxa uu soo qabtay, waxa uu qaban doono waa mid daw ah. Doorasho ninkii soo doonta (public figure) midhkaasi yay dhimbiil dab ah ku noqonin marka la weydiiyo. "Durbaan nin tuntay ilaaq dalbay."

Wasiirku waxa uu wax ka sheegay duruufihii adkaa ee Somaliland ay soo martay iyo sida ay nidaam iyo nabadgelyo kaga soo gudubtay. Waxa kaliya ee uu Wasiirku ku dheeraaday xaaladda maanta Somaliland ay marayso ee ay kaga gudbeyso beela dhaqameedkii iyadoo u gudbeysa dimuqraadiyad ku dhisan axsaabta badan iyo xeer reer galbeed.

Hase yeeshee wasiirka hadalkiisu wuu isburinayaa waxaana ka cad in aan nabadgelyada ka dhalatay Somaliland uu wasiirku ka soo horjeeday maalintay Somaliland intan ka taagta dareyd kana tamarada yarayd. Maalintii ay Jamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) iyo wasiirku (daaniye) ay ku adeegaynayeen magac beeleed ay weerar dagaal ku soo qaadeen iyada oo curdin ah. 

Nabadda maanta joogtaa waa tii Xaaji Cabdi Xuseen (cabdi waraabe), Enginneer Faysal Cali Waraabe iyo rag kale oo badan oo agoonyahano ah iyo madaxba oo cid walba lihi waa tii ay mayalka u qabteen iyagoo uu horkacayo madaxweynihii hore Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ILAAHAY ha u naxariistee una adeegayeen wasiiro uu Muuse Biixi ka mid ahaa. 

Marka mar labaad aynu mujaahid Muuse Bixii u halgamay midnimada iyo nabadgelyada Somaliland. Wasiirka iyo Jaamac yare tooda haddii ay maalintii noqon laheyd, maanta ta xamar ka taagan baa beelaha Somaliland ka taagnaan lahayd. Haddaba waxa isweydiin leh, wasiirku ma jana galihi Cigaal ayuu ku eedeynayaa godob iyo dagaal sokeeye in uu ummadda u horkacay. Wasiirka waxa ka soo yeedhay waa guulwadanimadii lagu yaqiin Siyaad Barre. Maalintii haddaan ILLAAHAY inoo bixin madax la ma jirto, maanta talow xageynu ku danbeyn lahayn?

Haddaba waxa muuqata oo aan mugdi ku jirin, ninka maalintay caynakaas ahayd ku tilmaamaya in laba qabiil dagaalamayeen (dagaal sokeeye), in uu yahay wasiirku nin aan Somaliland aaminsanayin maalintii iyo maanta midnaba. Biya kasta oo uu isku meydho iyo shaadh wasiir oo uu gashadaana kama goyn karaan magac xumadii.

Wasiirku waxa uu yidhi, "Dagaalkii sokeeye ee cadawtinimo ee aad beelahayaga u geysatay yaa kaala xisaabtamay"? Isagoo sii wata hadalkiisi wasiirku waxa uu ku daray godobta iyo dhibaatada uu Muuse Biixi ka galay beesha uu wasiirku ka soo jeedo inuu ku dhaafay Somaliland. Wasiirku waxa uu inoo cadeeyey in uu qabiil ka uu dadka ku dhaleecaynayo isagu ku shaqlan yahay. Waxa halkaa ka cad wasiirku inuu hadda oogaayo isku dir iyo xasilooni daro ka dhalata carada Somaliland. Waxa taasi ay iiga markhaati furaysaa in shaadh la gashadaa ama kursi lago fadhiistaa aanay ka masixi karin danbi la galabsaday.

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa "nin walba aqoontiisuu hadlaa," hadalka wasiirkana waxa ka cad in aanu aaminsaneyn Somaliland, in aanu sama ka talis ku kicin, in uu qori dableh la wareegaayo, uuna xume ku kala beerayo beelaha walaalaha ah. Waxaanu leenahay arrinkaas Dameero loo sheeg.

Nin waayeel ah waxa lagu ogaa beelaha oo la isku wado, wasiirku tiisu beelaha ayay ka la fogeyneysaa. Sababahaa awgeed, wasiirku u ma qalmo kursiga, ee sharafta halaga xayuubiyo haddii aan dawladda uu metelayaa aanay la qabin. 

Ali Gulaid (Alimarshal)
San Jose, California

Top


Garoonka Siyaasadda Ee Somaliland Oo Jaajka La Isu Quturay, Maxaa Ka dhallan Doona?

Faallo - Cumar D. Cumar

Somaliland waxay kulmisay tiro kala duwan oo ahaa dad ku lug lahaa Siyaasadda iyo Arrimaha Maamulka sannadihii lixdameedyadii, toddobaataneeyadii, sideetameeyadii, sagaashameeyadii iyo Millinemium-ka (2000 iyo wixii ka dambeeyay). Dadkaas oo dhammaantood ka siman hamiga hawlaha Siyaasadda ee Somaliland, arrintaas oo aad u soo baxday markii la ogolaaday ururada Siyaasadda in laga furto Somaliland, furitaanka ururo siyaasadeed iyo Khudbadaha Ololaha Siyaasadda, ayaa noqday qaar aad uga dhex muuqda nolol maalmeedka Somaliland, sannadkii tegay ee 2002.

Guud ahaan, ma xuma in Somaliland ay u gudubto heerka xisbiyada badan ee loogu tartamo Siyaasadda, laakiin waxaan la moogaan karin in si dhaba looga fikiro, sida aanay ololayaasha siyaasadeed u keeni lahayn wiiqid ku dhacda hawlaha qaran guud ahaan ama danihii ummadda oo lagaga mashquulo danaha xisbiyada. Marka la eego dalalka ku dhaqma xisbiyada badan ee wadamada reer galbeedku, duruuf ahaa dalalkaasi way u gaamureen dimuqraadiyadda, aqoon ahaan oo shicibkooda iyo masuuliyiintoodu ay awoodaan in ay is waafijiyaan loolan siyaasadeed oo aan turxaan lahayn iyo danaha guud ee ummaddu ka mideysan tahay.

Shaki kuma jiro in shicib ahaan iyo masuuliyiinta qaarkoodba ay dalkeena ku yar tahay waayo-aragnimada ay u leeyihiin samo ku loolan siyaasadeed oo ay u heelan yihiin in ay ka qaybqaataan.

Siduu doono ha ku bilowdee, garoonka Siyaasadda ee Somaliland, wuxuu noqday qaar ay ka socdaan ciyaaro siyaasadeed oo qaarkood rasdad la isu adeegsaday, jaajkana la isu quturay, si loola kala hadho kubadda Siyaasadda ee loo hirdamayo dhallinteeda kama dambaysta ah. Daawadayaasha garoonka Siyaasadda ee Somaliland oo ah shacbi waynaha reer Somaliland iyo dadyowga kale ee dunida ee daneeya arrimaha Somaliland oo ay ka mid yihiin dalalka jaarka ah iyo dalalka kale ee adduunka, sida; Yurub iyo Maraykanka, waxay u muuqdaan dhammaantood qaar ka dhur sugaya natiijada loolanka siyaasadeed ee Somaliland xiligan ka socda. Dhinaca shacbiga reer Somaliland, ayaa ah cida iyagu u foojigan natiijada loolankaas, maadaama uu khuseeyo mustaqbalkooda. Maalmahan ugu dambeeyay, ayuu loolanka Siyaasadda ee Somaliland uu gaadhay heerkulkiisii ugu sareeyay, waxaana soo ifbaxay doodo, dhaliilo iyo soo bandhigyo siyaasadeed oo ka qayba ololaha Siyaasadda, marka la eego tilmaanta ay u baahan tahay xaaladda Somaliland, waa in xadhkaha loo adkeeyo nidaamyada iyo hawlaha dawliga ee adeega danaha ummadda, qaab ka madax bannaan Siyaasadda, taas oo la doonayo in ay u arkaan xisbiyada ay xubnaha ka tirsani masuuliyadda hayaan iyo kuwa aanay hayn masuuliyadda ummadeed in ay fahmaan in kala soocida loolanka Siyaasadda iyo danaha Qaranka, si daacadnimo ku jirto in taladaasi ay tahay badbaadinta mustaqbal ee ummadda Somaliland ee dhammaantood ah tan ay heybad ku leeyihiin.

Dhinaca kale, fogaynta haadaanta Siyaasadda ee gayigan iyo dhoobeynta garoonka siyaasaddu saameynteedu ma noqon doonto mid cid gaara oo ku lug leh Siyaasadda sameysa, laakiin waxay noqon doontaa hogog ka qodmay hilinka Siyaasadda oo cidii ku hawlan Siyaasadda ee jidkaa u muraad yeelataaba ay hutuq-hutuq iyo hagardaamo kala kulmi doonto, sidii horeba loo arkay xiliyadii tegay.

Dhammaantood inta ku hawlan loolanka Siyaasadda ee Somaliland xiligan waxaa wanaag u leh in ay wanaajistaan qaabka farsamada ee xirfadda ay u soo banbaxeen ee Siyaasadda. Arrintan oo ah u danaynta naftooda iyo tan dadkooda iyo dalkooda, waxaana laga sugayaa in ay u soo bandhigaan loolan qurux badan oo aan indhaha laga qabsan. Bal aynu eegno bilo gudahood lib iyo lugooya waxa ka dhasha hirdanka siyaasadeed ee haatan heega goystay ee loogu tartamayo hogaaminta Somaliland.

Top


Reer Burcow Cagta U Dhigga

A. Ducaale

Golaha degaanka ee dhowaan la soo doortay ayaa markii u horaysay doraad ku dhawaaqay inay doorteen maayar iyo maayar-xigeen, iyadoo uu fadhigaa gudoominayey badhasaabka Burco, Cabdi Cali Hurre, laakiin koox ka tirsan xubnaha golaha degaanka ayaa sida la sheegay dareen dudmo kaga maqnaaday kulankaa wax lagu doortay, waxayna taasi muujisay waxoogaa khilaaf iyo guux ah, waxayna noqotay sheeko ay hadal haynteedu suuqyada wax lagu faalleeyo gashay.

Wararka arintaa ku saabsani waxay sheegeen in xubnaha golaha degaanka ka maqnaaday ay intooda badani ka soo jeedo beesha bariga Burco, waxaana taa loo qaatay dudmo beeleed. "Sida aanu warka ku hayno sifo beeleed ayey ku maqan yihiin"sidaa waxa yidhi badhasaabka Burco oo tafsiir ka bixinayaa sababta ay u maqnaadeen xubnaha shirka ka soo xaadiri waayey.

Sidoo kale markii la iswaydiiyey halka dudmadaasi salka ku hayso waxa iyadana soo if baxay warar sheegaya inay beesha bariga Burco u dudayso jagada maayarka, taas oo uu badhasaabka laftiisu iftiimiyey, isaga oo yidhi "Odayaal aan arkay waxaan ku idhi hadii aad maayarnimada doonaysaan waqti badan ayaad idinkuba soo hayseen, markaa hadii aad maanta u aragtaan inaydaan helayn ma aha inaad qalaanqal iyo dhibaato abuurtaan". Hase yeeshee marka dhinac kale laga eego waxay noqon kartaa inuu khilaafku ka dhashay shakhsiyaad ku loolamayey kursiga maayarka iyo maayar-xigeenka, kuwaas oo uu nin-ba sida uu wax ku xod-xodan karo ku xod-xotay, taas oo laga yaabo inay haybtu noqoto sheeko wax lagu beerlaxowsado, sidaa darteedna uu tafsiirku noqday beel heblaa wax doonaysa. Waxaase dhici karta in nuxurku sidaa ka duwan yahay.

Marka la eego labada nin ee tartanka kursiga maayarnimada Burco foodda isku daray waxay labaduba ka soo baxeen xisbiga UDUB, isla markaana doorashada ka hor waxay isu ahaan jireen maayar iyo maayar-xigeen, kuwaas oo kala Aadan Maxamed Mire (Ina waqaf) oo ahaa maayarka iyo Maxamed Diiriye xayd (dibjir) oo ahaa maayar-xigeen, laakiin hadda waxa la sheegay in maayar loo doortay Maxamed Diiriye (Dibjir), taasna waxa la sheegay inay ka cadhaysiisay Aadan waqaf, sidaa darteedna la aaminsan yahay inay kooxda maqnaatay isaga la xulfi tahay. Laakiin xanta caynkaas ahi runtii kuma koobna ee magaalooyin kale oo badan ayuu guux noocaas ahi ka jiraa, iyadoo ay wararka qaar leeyihiin farafaraynta xukuumadda dhexe ayaa arimaha golayaasha degaanka ku badan.

Arintu sida ay doonto ha ahaatee marka hore waa inay reer Burco iyo cid waliba magaaladooda u xushaan nin ay aqoon, raganimo iyo wax qabad ku doorteen, ta labaadna maadaama ay waxa meesha lagu yimi yihiin axsaab waa in iyadana la ixtiraama mabaadi’dii meesha kuraasta lagu yimi oo aanay arintu noqon "Xisbiga awrkaygaan ku kacsanayey ee ma mabda’ baan kula socday."

Ta labaadna waa inuu tartanta iyo loobinku noqdaa mid ku salaysan axsaabta kala duwan iyo hadii la doono shakhsiyaad isku xisbi ama kala xisbi waxay doonaan ha noqdeene, laakiin aanu noqon mid laga uriyo dareen reernimo, waayo dabeecadda waqtigan maayarka lagu dooranayo iyo dabeecaddii hore ee xeer-wadaagta beeluhu waa laba amuurood oo kala duwan. Laakiin sida ay wararka qaarkood leeyihiin hadii ay xubnaha golaha degaanka ee la leeyahay shirka dudmo ayey kaga maqnaadeen ay qadiyadoodu tahay dudmo beeleed, taasi waxay u muuqataa inaanay meesha qaban, waayo xataa hadii ay arintu sidaa tahay tobankii sannadood ee ina dhaafay xilalka maayarnimo waxa iska bedelayey rag ka soo jeeda beesha bariga Burco, sidaa darteed hadii uu maanta nin dhinaca kale ka soo jeedaa meesha yimi waxa meesha taal xikmaddii ahayd "aduun waa xeer-ba xeer", sidaa darteed taa lafteeda yaan loo daymo la’aan. Hase yeeshee arimuhu sida ay doonaan ha noqdeene waa inay reer Burco arintooda ku dhamaystaan qaylo la’aan iyo is qancin, isla markaana waa in cabatinka iyo wixii qalooc ah ee la kala tirsaday aqalka hoostiisa lagu dhameeyaa oo aanay banaanka u soo bixin, waxaanuna leenahay reer Burco cagta u dhiga.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Faysalow Colaaddaadu Ma Reerbay Ku Salaysan Tahay?

Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah, dhalasho ahaana ka soo jeeda dadka dega gobolka Sool iyo sanaag bari waxaan aad ula yaabay, isla markaana aan doonayaa inaan aragtidayda ka dhiibto waraysi uu Faysal Cali waraabe saxaafadda siiyey oo aan wargeyska Haatuf ka akhriyey cadadkiisii soo baxay jimcihii toddobaadkii ina dhaafay.

Faysal waxa uu iska dhigayey siyaasi isku dhowayn kara bulshada Hargeysa ku nool iyo bulshada Muqdisho ku nool, isaga oo waraysigaa ku sheegay inuu wada hadal iyo xidhiidh la samayn doon Suudi Yalaxow, Xuseen Caydiid iyo Raxanweyn, sidoo kalena Faysal wuxuu yidhi Somali waxa laga xukumi jiray Hargeysa iyo Muqdisho, laakiin Faysal hadii ay taasi ka dhab tahay oo uu yahay nin siyaasadda u bisil waxaan odhan lahaa majeerteena xidhiidh la samee, waayo waa iyaguba waa reer Somaliyeed oo ay dano idinka dhexayn karaan, basle waxa aniga la yaab igu noqotay inaad adiga oo nin siyaasiya sheeganaya, isla markaana xisbi hogaaminayaa inaad tidhaahdo Majeerteen arimaha Somaliyeed waxba kama aha. Ta kale marka aad hayb ka hadlayso ee aad Muuse Suudi Yalaxow iyo Xuseen Caydiid u gacan haadinayso miyaadan ogayn beelaha bariga Somaliland iyo majeerteen inay hayb wadaagaan oo ay iyaguna u gacan haadin karaan.

Sida la ogyahay hadii aad Faysal tahay waxaad magangelyo waydiisatay dalal Yurub ah adiga oo yidhi dalkaygii ayaa dagaal ka socdaa, wayna ku qaabileen, taasina waa waajib caalami ah oo xagga aadaminimada ah. Ta kale ummadda Soomaaliyeed dhaqan bay leedahay oo way is magan gelisaa, markaa maxaad u leedahay yaan cidna la magan gelin, mise siyaasadaadu waa mid cadaawad reernimo ku salaysan baa, hadii aanay sidaa ahayn maxaad u tidhi dadkii dhaawaca ahaa ee ina soo magan galay dhaawacooda cusbataalada debedda halaga dhigo oo dalka halaga saaro. Sidaa awgeed Faysalow waxaan ku odhan karaa hadalada kaa soo yeedhay ma aha kuwo miisaan siyaasadeed la saaray, markaa waxaan kugula talin lahaa siyaasadda miisaan iyo macno u yeel, hadii kale debedahaagii iska noqo, siyaasadduna waxay leedahay god la dhigo iyo masalo laga hadlo, laakiin aan ku tilmaameed ragga siyaasadda kugu aqoon iyo khibrad dhaama wax waydii, waxaana ragga aan kuu tilmaamayo ka mid ah: Cumar Carte Qaalib, Axmed Maxamed (Siilaanyo), Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) iyo rag kale. 

Maxamed Maxamuud Gaax-nuug, Hargeysa.

Top


Wakhtiga Rayaale Iyo Waayaha Siyaasadda Ee Somaliland

Aniga oo ah muwaadin u dhashay Somaliland isla markaana jecel inuu u soo bandhigo aragtidiisa siyaasadeed iyo hadba sida uu u arko jawiga taagan haddaba markaan u soo gonda dego dulucda maqaalkaygan tan iyo markii uu geeriyooday bishii shanaad ee sanadkii 2002 Madaxweynihii hore M.I.Cigaal ee waxyar ka dibna markii lagu dhawaaqay geerida M/weynihii waxaa saacado ka dib la dhaariyay Daahir Rayaale Kaahin waxay dhaartaasi ahayd mid dastuuriya dadka badankiisu aad ayay ugu farxeen m/weynaha cusub iyaga oo ka filayay isbedel siyaasadeed oo waxtarkiisa leh waqtigiisana wata. M/weyne Rayaale waxyar ka dib waraysigiisii u horeeyay waxa uu ku sheegay inuu ku soconayo siyaasadii M/weynihii geeriyooday taas oo ay dad badani ka biyo diideen iyaga oo diyaar u ahaa maamul diiran oo dardartiisa wata waxaa kale oo iyaduna dhacday inay M/weyne Rayaale marti qaadkiisii u horeeyay ee M/weynenimo ay u fidisay dawladda Itoobiya ee aynu jaarka nahay xidhiidhka diblomaasiyadeed inaga dhexeeyay hadda ka horaw iyada oo marti qaadkaasi miiska saaranyahay ayaa dawladda Jabuuti oo aynu ognahay inay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay burburinta Somaliland ka faa’iidaysatay geerida M/weyne Cigaal waxayna marti qaad u fidisay M/weyne Rayaale waxaana M/weyne Rayaale uu ku kacay arrin qalad ahayd oo aanu ka fiirsan arrinkaas oo ahaa markii uu iska indho tiray martiqaad u horeeyay ee dawladda Itoobiya isaga oo aan tixgelin sidii sharciga ahaa ayuu u duulay dalka Jabuuti oo ah cadawga koowaad ee Somaliland tagida Rayaale ee Jabuuti waxay boog ku noqotay xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland waana ta keentay inay xuduudkeen u kala xidhmo ilaa iyo maantadaa aynu joogno.

Waxaa kale oo iyaduna anfariir noqotay markii M/weyne Rayaale uu habeenimo ka guureeyay Hargeysa taasoo dadweynaha kaga fajicisay oo ay dadka badankiisu isweydiinayaan maxaa qaatay madaxweynaha ee uu maalinimo isaga bixi waayay isaga oo gobolada kale badidooda orod ku dhaafay isaga oo ka tagay salaadiintii horeba meesha u tagtay. Isaga oo markii Laas-caanood galay ee shilkii qabsaday, si deg dega uga soo baxay taasoo laga yaabay kusii orodkiisii iyo kasoo orodkiisa. Ta kale tan iyo intii Somaliland la dhisay may soo marin doorkan ka horaw waqti Somaliland lagu soo celiyo iyada oo aynu ognahay in weftigii dhawayd ee Senegal loogu diray gogol xaadhka lagu soo celiyay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya iyada oo loo diiday sharcigii ay ku tagi lahaayeen.

Arrinkaas oo qiimo dhaciisa ku leh Somaliland waxaa kale oo jirta in maanta dalkii Somaliland la odhan jiray jeex dhami maqanyahay, iyada jiraan ciidamada Jaamac Cali Jaamac ee uu hogaaminayo Cadde Muuse Boqor degmooyin Somaliland gudaheeda ah joogaan.

Gobolka Sool oo aan la garanayn waxa uu ku maqanyahay iyo xayiraada la saaray inta ay leegtahay iyo waxa loola jeedo miyaanse dadku ogayn in Jaamac Cali Jaamac ay dawladdu dabada ku wadato inay ka danbeeyaan Ismaaciil Cumar Geelle, C/Qaasimka kooxda Carta iyo dalalka kale oo carbeed burburinteeda kala talinaya, Somaliland hadal iyo murti waxyaabaha duul duulaya dadweynuhu il dheer iyo fiiro gaar ah ha u yeesho.

C/Qani Ismaaciil Maxamed, Food cadde
Hargeysa

Top


Rag Colaad-na Wuu Gayaa, Nabad-na Wuu Gayaa 

Ninka idinkoo isu cadawa oo dagaal isu caadaystay ku dilaa waad filaysay oo adba hadh umaad jiidin.

Kase intuu cadaw kuu abuuray uu dagaal aad la idiinka xoog iyo hub iyo dhaqaaleba badanyahay ku geliyay ee haddana markaad guntiga dhiisha iskaga dhigtay saf kala soo jeedsaday, intuu sahaydii yaraydna kaa cunay kugu dul naaxay aad tidhi yeelkadeed, cadawga yaynaan u jabin eed dagaalkii jilibka u aastay ee ku aaminii waaya, ee idinkoo cadawgii fooda isa kula jirteen ku dilayay ee ciidankiinii kala jabjabinayay waa iyama kaa iyo kaan hore u xusay, dabcan kan baa daran.

Muxuu rabay adaigay kuu taal hadduu Ilaahay u hiiliyay oon soo guulaystay, oon markaan dawladnimo dadku ha qaado idhi, een calankayga tawxiidka aan ku qoray ee cadawgiisu badan yahay ku mitiday oon iskuulo samaystay een jaamacad samaystay, een ictiraaf cidna aan ugu habrado oo dano gaara laygu fushado u idhi gaal iyo muslinba. Maxay kula tahay saaxiibkaa kor ku xusani oo kale hadduu tiiyo kale la yimaado. Oo uu distuurkii 97% loo codeeyay laago.

Bal adba qiyaas intuu nin xiniinyo lihi wadanka joogo ugamay suurto gasheen kaasoo kale.

Qabyaalad kanaan garanayaa iyo kanaan la boobayaa adeer calankan iyo dawladayada siisan mayno.

Booba yaa wadanina wakhti bay lahayd intay la hadhi karaysay waynala soo hadhay waa la soo gudbay, waayo wax waliba xad buu leeyahay imika wixii ka dambeeya way nala gadoomaysaa haddii wax loo qaban waayo oo wuxuun laga cuno. Wasiirka toos u socon waaya ee shilin lagu helo waaba lagu qamaamayaa. Shacbigana inta yar ee caadifada iyo xanuunka ku raagay ee lagu ogyahay inay u bukaan ee reernimada marba heer loo istaagayo lagu dabayo waxaanu leenahay ma kortadii mala korinayaa ku jiri mayno.

Marxaladii wax walba tuurta lagu qaadanayay waa la soo dhaafay kelmada u dambaysa waxaan leeyahay waar walaalayaal caqliga ha loo noqdo. Dadku labo ayay noqdeen in tobankii sanadood ee u dambeeya ruuxoodu korayay oo duco iyo digriga Ilaahay quudanaysay dalka xaaladihiisan mar walba la socotay oo meeshay ka toosin karto ka toosinaysay waxna aan ka cunayn oo solantay iyo in jasadkoodu korayay oo booba yaa wadaniga ku shaqaysanaysay oo u haysata inaanay cidiba arkayn.

Haddaba qolada indhahoodu hunguriga yahay umaba haysato in cidiba wax fahmayso iyaga mooyaane doorashadiina iyaguunbaa garoonka yimid. Inta ruuxoodu korayay oo inta faraha badani ismay soo taagin waanay ka xishoodeen marxalada aynu ku jirno iyo madaxweynihii geeriyooday awgeed. Iyagoo ku qoslayana waxay leeyihiin saaxiibayaal baroo bay ahayd.
Inta isa oo qadintayna waxna idinkumay hadhin waanad mahadsantihiin aakhirkiina calanka madaxweynaha Guurtida iyo golayaashu ha jiraan.

Maxamed Axmed Biixi
Hargeysa

Top


Masuulku Maaha Inuu Tusmo-Habaabo

Masuuliyaddu inkasta oo ay marka hore kala kala culays iyo maqaam weyn tahay, hadana guud ahaan waa xil ummadeed oo u baahan aqoon, xilkasnimo, aragti fog, dul-qaad iyo feejignaan dheeraad ah. Sidaa darteed inkasta oo ay masuuliyaddu kala mug weyn tahay, hadana waxay ka siman tahay waajibaadka iyo xilgudashada looga baahan yahay qofka masuulka ah, markaa qof walowba ogow marka aad masuuliyad qaadayso inuu xil culusi ku fuulay, lagaagana baahan yahay fulintiisa, iyadoo ay masuuliyaddu u baahan tahay caqli iyo cilmi lagu toosiyo, hadiise oo labadaa waayo fulinta xilku way guul-daraysanaysaa, waxayna taasi keeni kartaa khaatumo xumo haleesha qofka xilka qaaday, laakiin ka soo bixi waayey iyo dayac ku yimaadda waajibaadkii ummadda loo qaban lahaa. Hase yeeshee hadii aynu qaar ka xusno sifooyinka qofka masuulka ah lagama maarmaanka u ah waxa ka mid ah: Dul-qaad, maskax furan, xilkasnimo, cadaalad iyo wixii la mid ah, hadiise qofka masuulka ah sifooyinkaa laga waayo way iska cadahay inaanay masuuliyadaasi noqonayn mid midho dhalisa. Sidaa awgeed lagama maarmaan ma aha inuu qof waliba masuuliyad iska xanbaarto, laakiin waxa lagama maarmaan ah inuu qofku leeyahay caqli iyo aqoon uu masuuliyadda ku xanbaari karo, isla markaana waa inuu qof doonaya inuu masuuliyad xanbaartaa maanka ku hayo culayska ay leedahay iyo hadii uu ka soo bixi waayo eedda uga imanaysa, waayo hore ayey Somalidu u tidhi "nin xil qaaday eed qaad". Laakiin marka aad u fiirsato dad badan oo reer Somaliland ah oo magac masuuliyadeed huwani sida ay mararka qaarkood u dhaqmayaan ama u hadlayaan ayaad iswaydiinaysaa masuuliyaddu ma sidan ayey u macno darayd, kuwaas oo is odhanayso tolow xataa miyaanay aqoon sida weedhaha hufan loo isticmaalo, laakiin waxaad arkaysaa qaar masuuliyiin ah oo wixii ay doonaan ama sidii ay doonaan u hadlaya, taas oo aad moodo inay iska ilawsan yihiin ama aanay garanayn karaamada iyo dhawrsoonaanta ay masuuliyaddu leedahay, taasi waa nasiib daro, laakiin waxaynu odhan karnaa qofku hadii aanu garanayn milgaha iyo sharafta masuuliyadda wuxuu la mid yahay "Awr taash Madaxa loo saaray, ka dibna la tusmo habaabay".

Maxamed Ibraahin Sagax, Hargeysa.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 74aad

Mingistu: Waxaanu nidhi hadii uu kacaanku taaba qaado waa wax wanaagsan oo wax baynu qabanaynaa iyo hadii ay taasi inoo suurta geli waydo xataa waa inaynu dadka Itoobiya wax u qabanaa, laakiin su’aasha aanu iswaydiinay waxay ahayd maxaynu ugu horaysiinaa, taas oo aanu nidhi aynu ugu horaysiino dhulka, laakiin markii u horaysay ee aanu soo galnay xerada guutada afraad ayaanu hawlaha ku saabsan sidii dalka wax loogu qaban lahaa bilownay, iyadoo waxyaalihii inaanu wax ka qabano aanu ka tashanay ay ka mid ahaayeen sidii dhulka miyiga ah wax looga qaban lahaa. Sidoo kale su’aalaha aanu iswaydiinay waxa ka mid ahaa dalkeenu waa dal aanay wershad qudhi ka taagnayn, taas oo aanu nidhi waa in dhulka miyiga ee beeralayda wax laga qabtaa waa arin aasaasi ah, dabadeedna inta aanu isu soo ururinay dhalinyaradii, sidoo kale macalimiintii ayaanu soo ururinay, waxa kale oo aanu qaar ka soo qaadnay ciidamada, ka dibna waxaanu isla garanay inay noqdaan awood isku xidhan, ka dibna ay meelo badan oo Itoobiya dhexdeeda ah inta ay tagaan ay dadka beeralayda ah dhiiri geliyaan oo wax la qabtaan, iyadoo ay ujeedadu tahay in dadka beeralayda ah ururo loo sameeyo si ay horumar u sameeyaan, isla markaana waa in wacyi gelin lagu sameeyaa. 

Laakiin dhinaca dawladda taasi waxay ku ahayd kadeed, waxayna masuuliyiintii ay arimahaasi khuseeyeen waxay lahaayeen "Caruurtani hadii ay beeralayda u tagaan hadii ay khaldaan sidee bay noqonaysaa, waayo waxay ka dhex-abuuri karaan inay qalalaase sameeyaan beeralaydu, markaa hadii ay halkaa dhibaato ka timaado yaa masuuliyadeeda yeelanaya, waayo waxa ay dhalinyaradani sheegayaan iyo abuurka ay meesha ku shubayaan hadii ay kala duwanaadaan wixii dhibaato ka timaadda yaa hadhow ka jawaabaya". Markaa hadaladaa iyo dareemo kale oo cabsi geliyey ayaa ka soo baxay dhinaca masuuuliyiinta dawladda, sidaa darteed iyaga waxa aanu wadno oo dhami waxay dawladda ku abuurtay cabsi, laakiin dhinacayaga waxay ujeedadayadu ahayd inay beeralaydu ka faa’iidaysato, isla markaana fahamto barnaamijkan, waayo hadii ay beeralaydu arinta fahmaan wax dhibaato ah oo ay nagu keenaysaa ma jirto, sidaa darteed marka ay qolada dawladdu na yidhaahdaan arintani waxay keenaysaa dhibaato waa inaanu jawaabta ku haboon bixin karnaa.

Sidaa awgeed ardaydii iyo xoogaggii kale sidii ayey miyigii ugu baxeen, ka dibna wixii dhacay waa tii la wada ogaa.

Doodaha caynkaas oo kale ah ee aasaasiga ahi waxay ahaayeen loolankii ay qaybihii dhalinyarada ahaa ee bulshada ka tirsanaa ku soo jireen, markaa si aanu niyadooda u korino wax ahayn inaanu sidaa yeelo mooyee wax kale nooma banaanayn, laakiin dhinaca kalena kuwo kale ayaa u arkayey inay arintaasi khatar tahay, sidaa dooddii na dhextaalay may ahayn mid yar, balse taa waxa taageeray xubnihii dhergiga oo dhan iyo weliba xubnihii kale ee degaamada ka socday, sidaa darteedna hawshii way socotay, waxaana laga gaadhay guul balaadhan oo aan qiyaasi karin. Hase yeeshee hawl-galkaas maadaama ay nagala qayb galeen niman aaminsanaa mawqifyo qabiil (Qabyaaladiistayaal), isla markaana ay wateen siyaasad taayada ka duwan, wax bay lugta ku walaaqeen, waxaana u hirgashay inay bulshada dhexgalaan, sidaa darteed fursadda ay heleen awgeed waxay isku dayeen inay qalalaase ka dhex-abuuraan dadweynaha, laakiin taa waxaanu kaga bad-baadnay degaanshaha dadweynaha, waayo waayo-aragnimo iyo samir ayey lahaayeen, markaa waxay gacan siin jireen ciidamada iyo cid kasta oo taageeraysa kacaanka. Hase yeeshee maadaama aanu xilkii ka qaadnay maamulkii boqor Xayle Salaase shicibku aad ayey noo aaminsanaayeen, sidaa darteed inkasta oo aanay shicibku jeclayn oo aanay raali ka ahayn, hadana waxa la isku dayey in dawladdii kacaanka la iska horkeeno, taas oo ka mid ahayd dhacdooyinkii berigaa dhacay, isla markaana taasi waxay IHABA-da u saamaxday inay taageero badan helaan, waxayna kaxaysteen waxoogaa dhalinyaro ah, sidoo kalena waxay IHABA-du isku dayeen inay beeralayda kaxaystaan oo ay laf-dhabar ka dhigtaan, laakiin MA’ISO-duna sidoo kale ayey isku dayday arimo ka soo horjeeda waxa ay IHABA-du waddo, waxaana xiligaa samaysmay ururo yar yar, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: Walaalaha shaqada, ururka kacaanka, ururka midowga dadka la adoonsado ee Itoobiya iyo qaar kale ayaa samaysmay, ka dibna ururadaa mid waliba waxa uu soo saaray qoraal uu ku cadaynayo inuu ka soo horjeeda is-adoonsiga, imbiryaaliyadda iyo hantigoosiga". Hase yeeshee ururadaa dhinacayagu waxaanu ugu baaqnay inay nagu soo biiraan oo aanu wada samaysano xukuumad ka soo horjeeda is-adoonsiga iyo imbiryaaliyadda, waxayna sababta aanu ururadaa ugu baaqnay ahayd iyaga oo sitay mawqif la mid ah mawqifka aanu aaminsanahay, arintaana anigaa (Mingistu) si cad ugu dhawaaqay, taas oo ugu baaqay inay ka soo qayb galaan xukuumadda la samaynayo dhammaan ururada dalka ka jiraa iyo xataa ururada goosiga doonaya intooda badani inay ka soo qayb galaan dhismaha xukuumadda ayaan ku baaqay, waayo sababta aanu sidaa u lahayn waxay ahayd, iyadoo aanu doonaynay inaanu ka hortagno oo aanu meesha ka saarno dhibaatooyinkii dalka ka jiray ee ay ka tageen xukuumadihii imbiryaaliyaddu...

La soco cadadka dambe.

Top


WAADIGA CIYAARAHA

Manchester United Oo Lix Gool U Xambaarisay West Ham

Manchester United ayaa tagtay wareega (5aad) ee koobka FA ka dib markii ay lix gool u xambaarisay kooxda West Ham 6-0.

Waxay horeba kooxda kubada cagta ee Manchester United ugu soo baxday ciyaarta kama dambaysta ah (final) todobaakan, koobab kale waxay weli u heelantahay in ay kaalimaha ugu horeeya ay gasho koobab kale.

Ciyaaryahanada Ryan Giggs iyo Ruud Van Nistelrooy oo u ciyaara Manchester United ayaa mid waliba uu 2 gool dhaliyay ciyaartii kooxdoodu ay kaga badisay kooxda aan difaaceeda ciyaareed sidaa u xooganayn ee West Ham, waxaa iyaguna gool dhalinta ka qayb qaatay ciyaartaa oo gool u dhaliyay Manchester United Phil Neville oo difaaca ka ciyaar iyo Ole Gunner Solskjaer oo isna ah kayda kooxda Manchester oo gool isna saxeexay ciyaartaa.

Sideed daqiiqadood markii ay ciyaartu socotay ayaa markii ugu horeysay u suurto gashay kooxda Manchester United in ay jiidhaan difaaca caabigiisu liitay ee kooxda West Ham markii uu Ruud Van Nistelrooy uu kubada soo gaadhsiiyay David Beckam oo isna u celiyay Paul Scholes oo isaguna laad u raaciyay kubadda dhinaca goolka West Ham kubaddaa oo uu soo celiyay Ian Pearce waxaanay kubadda meel banaan ka helay Ryan Giggs oo kubadda goolka uga dhex dusiyay ciyaartoyda taagnaa diilinta goolka West Ham halkaas oo goolkii bilawga ahaa qaybtii hore ugu dhashay kooxda Manchester, saacad badhkeed ka dib ayuu goolkii labaad dhaliyay Giggs oo 25 ciyaarood hore u dhaliyay gool qudha.

Inkasta oo ay ciyaartaasi ahayd horyaalka Ingiriiska haddana waxay u muuqatay kooxaha heerka koowaad oo la ciyaarayay kooxaha heerarka hoose, toban daqiiqadood ka hor xiligii nasashada ayuu Van Nistelrooy gool ku dhamaystay isu dhiib dhiib gaagaaban oo ay isla heleen ciyaartoyda kooxda Manchester United.

(4) daqiiqadood uun ka dib qaybtii dambe ee ciyaarta markii uu kubada Van Nistelrooy dhex dhigay koonaha shabaga goolka Westham.

Van Nistelrooy ayaa dhaliyay goolkii shanaad ee Manchester United ka dib goolkii afraad oo isna dhaliyay Phil Neville Ole Gunner Solskjaer ayaa goolkii 6aad ee ugu dambeeyay ku khatimay ciyaarta ka dib markii ay gabagabadu ciyaarta ka hadhsanayd (20) daqiiqadood.

Top


Real Sociedad Oo Sii Adkaysatay Hogaanka La Liga Spain

Kooxda Real Sociedad ee kooxaha heerka koowaad ee Isbaanishka (La Liga Spain), ayaa badhtamihii tartankaasi La Liga ku gaadhay, iyadoon la kulmin wax guuldarro ah, waxaanay Real Sociedad ay ugu sareysa liiska kala horeynta kooxaha ku jira tartankaas.
Sidaa waxay xaqiijisay, kadib markii ay ciyaartii ugu dambaysay 2-1 ay Real Sociedad kaga guulaysatay kooxda sida firfircoon ee mintidka ah u ciyaarta ee Atletico Madrid.

Bilowgii ciyaarta waxaa dardar ku bilowday kooxda Atletico Madrid oo uu weerarkeedu culeys weyn saaray kooxda Real Sociedad, weerarka isdaba jooga ahaa ee ciyaarta ay ku hawlgaleen kooxda Atletico Madrid, wuxuu keenay in ay ciyaartoydii Real Sociedad ku urursanaadeen agagaarka goolkooda ee qaybtii garoonka ee ay ka soo jeedeen.

Fernando Torres, ayaa isagu sigay goolkii ugu horeeyay ee ay ciyaarta ku hogaamin lahayd kooxda Atletico, waxaase diilinta goolka ka soo celiyayAitor Lopez Rekarte. Weerarka joogtada ahaa ee kooxda Atletico Madrid, wuxuu u soo hooyay in ay helaan rigoore, kadib markii gef xerada ganaaxa gudaheeda lagaga galay Aitor, rigoorahaas waxaa u laaday Atletico, Fernando Correa, waxaase badbaadiyay oo goolkaas ka samatabixiyay Real Sociedad goolhayahooda oo ka dhigtay rigoorihii labaad ee uu ka badbaadiyo goolka kooxdiisa ciyaara dhowra. Kadib nasashadii ayaa Korkut oo si sibaqa ula helay shiishka goolka Real Sociedad oo kubadda sudhay meel aanu qabashadeeda ka haweysan karin goolhayaha Real Sociedad, halkaas oo ay kooxda Atletico Madrid goolkii ugu horeeyay ay ku dhashatay ciyaartaas.

Hogaaminta ciyaarta kooxda Atletico, waxay ku soo geba-gabowday qadar yar kadib, markii uu Garcia isku dhiib-dhiib (one, two) ah uu la ciyaaray Torres, taas oo uu ku ganaaraday Garcia oo kubadda ku hubsaday xagal cidhiidhi ah goolka kooxda Atletico, halkaas oo ay ciyaartu barbaro 1-1 ku noqotay.

Darko Kovacevic, ayaa goolka guusha ee labaad u dhaliyay kooxda Real Sociedad, daqiiqadii 62aad, inkasta oo ay ciyaartoyda kooxda Atletico Madrid qub iyo qacba ku dayeen in ay goolal dhaliyaan, haddana umay suurto gelin qaybtaa dambe ee ciyaarta in ay fursad gool ay ku dhaliyaan ka helaan difaaca adag ee kooxda Real Sociedad, waxaanay ciyaartii ku dhammaatay 2-1 ay guushu ku raacday Real Sociedad oo hogaanka ku sii adkaysatay, iyadoo uu xilli-ciyaareedkii 2002-03 kala badh marayo.

Top


Madaxa Kooxda Manchester City Keegan Oo Doonaya Soo Xero-Gelinta Pauletta

Kooxda Manchester City, ayaa u dhow in ay soo geba-gebeeyso heshiis ay la galayso weeraryahanka kooxda Bordeaux ee Pauletta.

Madaxa kooxda Manchester City, ayaa hore maalintii khamiistii u soo xero-geliyay oo heshiis la saxeexday David Sommeil oo difaaca uga ciyaara kooxda Bordeaux, isagoo kula soo wareegay heshiis uu qiimihiisu dhan yahay 3.5 milyan oo Gini, wuxuu hadda maamule Keegan ku hawlan yahay siduu uu isna u soo xero gelin lahaa ciyaaryahanka u dhashay Portugal ee ka ciyaara weerarka ee Pauletta oo uu rajaynayo inuu kula soo wareego heshiis ilaa afar milyan oo Gini ah, waxaan isaguna maanicin heshiiskaas maamulaha kooxda Bordeaux, waxaanu maamule Keegan rajaynayaa in uu u soo wareega Manchester City uu Pauletta ka dhaadhiciyo saaxiibkii Sommeil oo isagu hadda dhammaystiray heshiiskiisa uu ugu soo wareegay dhinaca Manchester City.

Top