Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 256 January 28, 2003

Kulan Caalami Ah Oo Lagaga Hadlayo Xaaladda Xuquuqda Aadamaha Somaliland Oo Hargeysa Ka Dhici Doona

Maamulayaasha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxay Ku Micneeyeen Duruufta Biyo-Yaraanta

Diblomaasiyadda Iyo Hab-Maamuuska

Golaha Deegaanka Hargeysa Dayaca Sugaya Maxay Ka Qaban

Laba Tareen Oo Isku Jiidhay Dalka Faransiiska

Hay’adda Baadhista Dembiyada FBI Oo Baadi-Goobaysa 3000 Oo Ciraaqiyiin Ah Oo Ku Dhex-Dhuuntay Maraykanka

Dawladda Sucuudiga Oo Albaabada U Furtay Hay’adaha Xuquuqul-Insaanka

RAADYOW MA QALOOCSHE

Yaabka Dunida Maxaad Ka Ogtahay

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Shaxda Rag Baa Dusha Ka Jooga

Harag Sakaaro Isu Daysta Mooyee, Is-Dul Buuxin Ma LahaHarag Sakaaro Isu Daysta Mooyee, Is-Dul Buuxin Ma Laha

Run Sheeg Ma Balaayo Sheeg Buu Noqday

Waadiga Ciyaaraha

Kooxaha Udinese Iyo Raggina Oo Guul-Darooyin Baday AC Milan Iyo Lazio

Barcelona Oo Markii 8aad Laga Badiyay Iyo R. Madrid Oo Barbaraysay


Kulan Caalami Ah Oo Lagaga Hadlayo Xaaladda Xuquuqda Aadamaha Somaliland Oo Hargeysa Ka Dhici Doona

Hargeysa (Haatuf): Shir loogu gogol-xaadhayo shirweyne lagaga hadlayo xaaladda xuquuqda aadamaha ee Somaliland oo la filayo inuu ka dhaco Hargeysa badhtamaha bisha soo socota, ayaa shalay lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotel MingSing.

Shirkan oo ay wadajir u soo qabanqaabiyeen ururka is-bahaysiga xuquuqda aadamaha ee SAMO-TALIS iyo hay’adda ICD, waxay ujeedadiisu ahayd sidii uu gogol-xaadh ugu noqon lahaa shirweyne ay wadajir u qaban-qaabinayaan hay’ada xuquuqda aadamaha Amnesty International, is-bahaysiga xuquuqda aadamaha ee Samotalis iyo hay’adda ICD oo socon doona muddo 5 shan cisho ah, kaasoo 15-ka bishan la filayo inuu ku qabsoomo magaalada Hargeysa, kulankaa gogol-xaadhka ahaa ee shalay waxa ka soo qaybbgalay xubno ka socday hay’adaha caalamiga ah, ururada bulshada iyo Guddiga dabogalka Xasuuqa.

Guddoomiyaha ururka SAMO-TALIS, Maxamed Baaruud Cali ayaa ka qaybgalayaasha uga warramay ujeedada kulankan, wuxuuna ka sheekeeyay xaaladda xuquuqda aadamaha ee Somaliland iyo wax-qabadka ururka SAMO-TALIS, guddoomiyuhu waxa kale oo uu xusay kulanka dhici doona 15-ka bisha February waxyaabaha lagaga hadlayo oo uu sheegay inay ka mid yihiin sidii ay hay’adda Amnesty International oo gacan weyn ku lahayd aas-aaska ururkan SAMO-TALIS, isla markaana wada-shaqayni ka dhaxayso ay xog-ogaal ugu noqon lahayd wax-qabadka ururka iyo xaaladda xuquuqda aadamaha ee Somaliland.

Rashiid X. C/laahi (Rashiid Gadh-weyne) oo ka socday Guddiga dabogalka Xasuuqa oo ka hadlay kulankaa ayaa sheegay inay guddi ahaan ku dabo-jiraan baadi-doonka iyo ururinta wixii caddaymo ah ee waqtiyadii xukuumaddii Siyaad Barre dadkii la xasuuqay, wuxuuna sheegay in ay hayaan caddaymo muujinaya xasuuqii dalka ka dhacay xilligii xukuumaddii diktaytarka ahayd. Waxa isaguna halkaa ka hadlay Mr. Rashiid oo u hadlayay dadka laga tirada badan yahay (Minority Group).

Top


Maamulayaasha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxay Ku Micneeyeen Duruufta Biyo-Yaraanta

"Reer Hargeysa Ha Ogaadeen Inay Dhibicda Biyaha Ah Iyo Dhibicda Patrol-Ka Ahi Isku Mid Yihiin" - Ingineerka W.Biyaha

Hargeysa (Haatuf): "Ceelkani 34 KM ayuu magaalada Hargeysa u jiraa, wuxuuna ka mid yahay 4 ceel oo dib u dhis lagu sameeyey"sidaa waxa yidhi Injineerka wakaaladda biyaha Hargeysa, Ismaaciil Xasan Cumar oo ka waramaya afar ceel oo dhowaan la kiciyey iyo weliba qaabka ay biyuhu u soo gaadhaan magaalada, wuxuuna Injineerku u waramayey weriyayaal Haatuf ka tirsan oo doraad booqday qaar ka mid ah ceelasha wax soo saarka biyaha Hargeysa oo ku yaal jiidaha Geed-deeble ee waqooyiga Hargeysa, iyadoo ay weriyayaashu Injineerka wakaaladda biyaha ku waraysteen ceelasha dushooda, laakiin injineerku isaga oo ka waramaya mashruuca lagu kiciyey ceelashan afarta ah wuxuu yidhi "Mashruucan waxa bishii Sabtembar 2002, bixisay EU-yada (Midowga Yurub), waxaana dhaqaalaha lagu soo hagaajiyey UNHCR, laakiin UNHCR-na waxay koontaraagii dhismaha siisay hayad Talyaani ah oo la yidhaahdo Afrikan 70, afarta ceelna laba ka mid ah dib- uhabayn baa lagu sameeyey, labada kalena waxay ahaayeen ceelal dhan.".

"Ceelkani waxa laga qoday dooxa badhtankiisa, wuxuuna saacaddii soo saarayaa 83 M3, isla markaana wuxuu ceelkani ku jiraa marxaladdii saddexaad ee tijaabadiisa, taas oo dhamaanaysa 27-ka Jananweri (shalay)"ayuu yidhi Injineerku, isaga oo ka waramaya mid ka mid ah ceelasha la sameeyey oo lagu magacaabo ceelka 14aad, laakiin waxa jira ceel kale oo isna ah ceelka 12aad, ceelkaas oo dhowaan la dayactiray, sidaa darteedna uu injineerku sheegay inuu shaqaynayey muddo laba bilood ah, iyadoo lagu xidhay mishiin cusub iyo bamboo cusub iyo weliba beeb cusub.

Ceelasha biyaha soo saaraa waxay ku filiqsan yihiin jiid isu jirta ilaa 20 KM, laakiin waxay dhammaantood biyaha isugu wada keenaan laba berkadood oo ku yaal Kaamka Geed-deeble, halkaas oo ah kaydka biyaha. "halkaa waxa biyaha ka soo riixa bahalo loo yaqaan Buustaro ama biyo riixayaal, waxaana shaqeeya afar Buustar oo uu midkiiba saacadii riixo 100M3 oo biyo ah"ayuu yidhi Injineerka wakaaladda biyuhu, isaga oo ka waramaya habka ay biyuhu magaalada ku soo gaadhaan, laakiin waxa uu intaa ku daray "Biyuhu marka ay magaalada u socdaan waxay sii maraan laba dhuumood oo ay mid walba dhumucdeedu tahay 2 Hiish, isla markaana waxa qasabad walba saacadii dhuunteeda mara 200M3 oo biyo ah."

Laakiin injineerku waxa uu sheegay inay hadda shaqeeyaan 8 ceel oo ay afartii ceel-ba hal dhuun biyahoodu maraan, wuxuuna intaa ku daray inay kaamka kaydka Geed-deeble saacadiiba ka soo baxaan 400Mitir Kiyuubic oo biyo ah. Hase yeeshee dadka ku dhaqan magaalada Hargeysa waxa had iyo goor haysata xaalad biyo yaraan ah oo soo noqnoqatas, sidaa darteed Injineerka wakaalada biyuhu isaga oo cabashada dadka ee dhinaca biyaha ka hadlaya wuxuu yidhi "Hargeysa, iyadoo cabanaysa oo leh waanu biyo la’anahay, laakiin waxaanu haysanaa qalab da’ ah, masalan labada dhuumood ee ay biyuhu raacaan mid ka mid ah waxa la rakibay 1971-kii, halka ta kalena la rakibay 1982-kii, markaa hadii ay labadaa dhuumood mid ka mid ahi xumaato inta lagu jiro hawsha lagu dayactirayo, isla markiiba waa la dareemayaa, taasina waxay ka mid tahay caqabadaha had iyo goor nala soo gudboonaada."

Marka laga hadlayo duruufaha biyo yaraanta magaalada Hargeysa waxay wararka qaarkood sheegeen in biyaha jidka loo galo oo beero waaweyni lagu waraabiyo, taasina ay qayb weyn ka noqoto biyo yaraanta, laakiin injineerka wakaaladda biyaha oo arintaa ka hadlaya ayaa yidhi "Dad baa yidhaahda biyaha waxa lagu waraabshaa beero markaa qolodiinan saxaafaddu miyaad wax beero ah meelahan ku aragtaan, laakiin maadaama aanay biyuhu Hargeysaba ku filayn ma ogolin in beero lagu waraabsho." 

Hase yeeshee maamulayaasha wakaaladda biyuhu waxa kale oo ay ku dacwiyaan inay wax soo saarka biyaha iyo dadka magaalada ku dhaqani kala badan yihiin, sidaa darteed injineerkani isaga oo taa ka hadlaya wuxuu yidhi "1976-kii Hargeysa waxa waraabin jiray 6 ceel iyo hal dhuun oo ay biyuhu maraan, waxaana magaalada ku noolaa 75000 oo qof, laakiin sannadkii 1982-kii ayuu Shiinuhu dhuun labaad dhigay iyo weliba habka hadda biyuhu ku shaqeeyaan, waqtigaana waxa Hargeysa ku noolaa 250,000 oo qof, balse maanta waxa Hargeysa ku nool 850,000 oo qof, sidaa darteedna waxay magaalada maalin walba heshaa 6000 M3 oo biyo ah, laakiin waxay maalin walba u baahan tahay 20,000 M3". 

"Meesha ay biyuhu ka yimaadaan waa meel Hargeysa aad uga hoosaysa ilaa 347 Feet ayey ka hoosaysaa, markaa waad garran kartaan awoodda ay taasi u baahan in biyaha magaalada lagu gaadhsiiyo, markaa dadweynuhu waa inay ogaadaan inay dhibicda biyaha ahi la mid tahay dhibicda batroolka ah"ayuu hadana yidhi. Laakiin duruufaha kale ee ay maamulayaasha wakaaladda biyaha Hargeysa ka cawdaan waxa ka mid ah dad badan oo ay sheegeen inay biilasha biyaha ku kadeedaan ama bixin waayaan, iyadoo ay weliba kuwaa ka mid yihiin madaxda dawladda qaarkood, tusaale ahaan shaqaalaha wakaaaladda biyaha ayaa wasiir ka mid ah xukuumadda Somaliland biyihii ka soo jaray, ka dib markii uu biilkii biyaha iska bixin waayey, laakiin markii biyaha laga jaray ayey wasiirkii iyo askarigii ilaaladiisa ahaa la dagaalameen shaqaalihii biyaha ka jarayey, sidoo kale waxa la sheegaa in qaar ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee xukuumadda aanay muddo sannad iyo wax la mid ah gaadhaysa iska bixin biilkii biyaha. Sidaa darteed marka laga yimaado dhaliilaha maamul ee loo tirinaya maamulayaasha iyo hawl-wadeenada wakaaladda biyaha ka sokow waxa iyana jirta taban-taabo la’aan ka imanaysa dhinacyo kale.

Injineerka mar la weydiiyay in ay ku talo jiraan wax mashraariic cusub ah oo la xidhiidha horumarinta biyaha Hargeysa, wuxuu sheegay in heshiis la galeen hay’adda samofal ah oo fullin doonta Mashruuc isku xidhaya wax-soo-saarka biyaha ee Geed-deeble, taas oo lagaga maarmayo qaabka ay hadda u shaqeeyaan ceelasha biyuhu, kuwaas oo uu ceel waliba goonidiisa u shaqeeyo, balse imika ku talogalku yahay in xarun qudha laga wada dhaqaajiyo, waxaana lagu wadaa in mashruucaasi bilaabmo bisha March ee sannadkan, waxaanu qaadan doonaa laba sanno, iyadoo uu injineerku sheegay in ay ku talo jiraan in wakhtigaa wakhti ka yar ay ku dhameeyaan.

Top


Diblomaasiyadda Iyo Hab-Maamuuska

Cabdicasiis Axmed Muuse, India

Dawladda waliba oo la aqoonsan yahay waxa ay leedahay safiiro ama sii-haye, kuwaas oo wakiil uga ah dalalka dibadda ee ay xidhiidhka wadaagan.

Haddaba, sida uu qoraayo qodobka 2aad ee Xeerka Vienna ee 18kii April 1961 yeelashadda xidhiidhka diblomaasiga ee dalalka iyo furitaanka ergooyinka joogtada ah waxa uu ka yimaadaa heshiis ay gaadhan labada dhinac ee jecel in ay xidhiidh yeeshan, taas oo loola jeedo in aanay dawladdi dawladd kale ku qasbi karin in ay xidhiidh diblomasi la yeelato..hadaba iyadoo sidaasi jirto ayaa dalwaddaha aan la aqoonsaneyn ee aduunka ka jira sida taiwan chechnya western saharan territory iyo Jamhuuriyadda Somaliland ay dirsadeen wakiilo dibadda u jooga, kuwaas oo heerkoogu yahay Sii-Haye, halka dalalka la aqoonsan yahay ay dirsadaan Danjire. Laakiin marar ayaa dhacda in dawladd la aqoonsan yahay ay dirto sii-haye, taasi waxa ay ku xidhan tahay heshiiska dhex mara labada dawladood. 

Tusaale.
Inkastoo labada mansab ee danjire iyo sii-haye ay yihiin ergo diblomaasi hadana darajo ahaan way kala sareeyan. Matalan dalalka Shiinaha iyo Ingriisku xidhiidhkoogu diblomaasi heerkiisu waxa uu ahaa laga soo bilaabo ilaa markii Shiinuhu dalkooga xoreeyeen sii-haye .tododbaataneeyadii bilowgiisii ayaa kor loo qaaday oo la gaadhsiiya heer danjire....waxana loogu yeedhi jiray xafiiska uu Ingriisku ku leeyahay Shiinaha ama xafiiska uu Shiinuhu ku leeyahay Ingriiska waxana ay u qornayd "Xafiiska Sii-Hayaha " ee kumay qorneyn safaaradda Ingriiska ama safaaradda dalka Shiinaha.

Haddaba dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo u halgamaysa sidii ay aqoonsi caalamiya uga heli lahayd aduunka ayaa waxa ay magacowday ragg badan oo wakiilo uga noqoda Somaliland dalalka dibadda waxa kale oo iyana is xil-qaamay Jaaliyadaha dibadda ragga madaxda ka ah oo iyana isku magacaabay wakiilada somaliland ee dalalka ay joogan . Si kastaba ha ahaato, Wakiilada Dibadda ee Somaliland qaar ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada iyo qaar aan ka tirsanayniba waxa la odhan karaa waa ay ku guulaysteen in ay Somaliland ka dhaadhiciyaan qadiyadda rasmiga ah ee Somaliland. Laakiin waxa loo baahan yahay in ay taageerto wasaaradda arrimaha dibaddu bale, nasiib darro wasaaradda arrimaha dibada ee Somaliland ayaa la moodaa in aanay firfircooni badan aanay muujin taas oo ku saabsan la xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland ee dibada ..gaar ahaan wakiilada is xil-qaamay ee u halgamaya qadiyada Somaliland taas oo sababtay taageero la,aanta wasaaradda arrimaha dibada ee Somaliland ay u muujisay qaar ka tirsan wakiilada is xil-qaamay. 

Eeg magacyadan wakiiladda Somaliland ee ay dawladu magacowday iyo kuwa is xil-qaamay ee jooga dalalka dibadda.


1. Wakiilka SL ee Italia + Spain, Portugal iyo
Turkey-ga: Md. Muxiyadiin Gaboose 
2. Wakiilka SL ee America (U.S.A): Md. Sacad Sh. Nur -
3. Wakiilka SL ee Jarmal ka + Belgium, Austria, iyo
Balkanka: Md Abdillahi Askar 
4. Wakiilka SL ee Norway + Sweden, Denmark, Finland
: Md. Axmed X. Nur - 
5. Wakiilka SL ee Canada: Md. M. Dalmar 
6. Wakiilka SL ee Ethiopia : Md. Omer Dheere 
7. Wakiilka SL ee Holland: Md. F. Maxamed
8.Wakiilka SL ee India Pakistan Sir Lank Nepal Bangladesh Md. Mohamed Ismail Mousa (Hooje) 
9. Wakiilka SL ee France : Md. A. Gaaleri 
10. Wakiilka SL ee U.A.E Imaaraadka: Md. Xasan Aw Ibrahim 
11. Wakiilka SL ee Saudi Arabia : Md. I. Wadaadiid 
12. Wakiilka SL ee Kenya : : Md. H.A.Du,ale.
13. Wakiilka SL ee Ruushka -ka: Md. M. Xandule 
14. Wakiilka SL ee Nigeria: Md. Cabdiraxman Yabaxle 
15. Wakiilka SL ee Kuwait: Md. M. Meecaad
16. Wakiilka SL ee Senegal Mali .Md Hassan Diini 
17. Wakiilka SL ee UK: Md. Cusman Axmed (Indhoole)
18. Wakiilka Sl ee South Africa Md. Iqbal

Ragga kor ku xusani waa ragg la odhan karo waa ay fuliyeen waajibaadkii loo xillsaaray...waxana ay ku dhiiradeen in ay magaca Somaliland kaga dhawaaqan meelo aan laga garanayn....

Top


Golaha Deegaanka Hargeysa Dayaca Sugaya Maxay Ka Qaban

Hargeysa (Haatuf): X arunta Dawladda Somaliland waxay qarnigan kow iyo labaatanaad rajaynaysaa in ay ku sifowdo caasimad nabadeed leh, tashiilaadka caasimadaha kale ee dalalka aduunka, marka la eego arrintan waa mid ka dhaba dhinaca dadweynaha oo muujiyay horumarinta iyo dhisidda dhismayaal wax weyn ku soo kordhiyay bilicda magaalada oo isugu jira guryo ganacsi oo kala ah huteelo, bakhaaro, wershado iyo goobo kale oo u diyaar ah adeegyada kala duwan. Waxaa intaa dheer gaadiid kala duwan oo ay ka mid yihiin shirkadaha diyaaradaha iyo gaadiidka kale ee dhulka iskaga goosha oo iyagana dadka shicibka ahi suurtogeliyeen, guud ahaan horumarinta iyo wax-qabadka ay dadweynuhu ka hirgeliyeen caasimadda Hargeysa, waxaad moodaa in ay Hargeysi tebayso kaalinta wax-qabad ee maamulka dawladeed, sida waddooyinka, adeega nadaafadda, qorshaynta degaanada magaalada, habaynta goobaha ganacsiga iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah magaalo caasimad ah sida Hargeysa oo kale, sida goobaha caafimaadka, beeraha quruxda badan ee nasashada, garoomada ciyaaraha kala duwan, isgaadhsiinta, laydh iyo biyo ku filan.

Dhammaan arrimaha aan xusnay oo si qorshaysan ay maamulada dawliga ahi uga hirgeliyaan Hargeysa ay noqon lahaayeen horumar dhinaca ka gala oo kor u sii qaada kaalinta h orumarinta ee ay muujiyeen iskood dadka ku dhaqan Hargeysa.

Dhinaca dhaqaalaha, waxaa ka muuqata tiro badan oo dadka ku nool inay hayso shaqo la’aan oo ay u baahan yihiin barnaamijyo loogu abuurayo shaqooyin iyo xirfado ay ku shaqayn karaan dhinaca ganacsiga, guud ahaan ganacsiga iyo adeegyada kala duwan ayaa camal dakhli leh siiya qayb weyn oo ka mid ah dadweynaha deggan Hargeysa.

Dadka ku nool Hargeysa oo ah dad iskood uga yimid xeryihii qaxootiga ee ay ku qaxeen sannadkii 1988 iyo qaybo ku yimid caawimada iyo tashiilaad ay siisay hay’adda UNHCR xafiiskeeda Hargeysa oo ay muuqato in aanay sidii loo baahnaa u helin taageero dhaqaale banii’aadaminimo oo ay dib ugu degaan, haddana waxaa ka muuqata inay ku dedaalan in ay noloshoda dib u dhisaan.

Hargeysa kuma noola oo qudha dadka u dhashay Hargeysa iyo Somalilandta kale, hase yeeshee waxay hoy iyo nabad ku noolaansho ay siisay dad ka soo baro-kacay dalalka la deriska ah sida Somaliya iyo dad abaaro ay ka keeneen dalka Itoobiya, inkasta oo aan dalka Somaliland ee Hargeysi caasimadda u tahay aanu helin aqoonsi caalamiya, haddana 11-kii sanadood ee tegay Hargeysa waxaa si nabada safaro ugu yimid oo dhex mushaaxay, nabad kaga noqday tiro badan oo ah dadyow u dhashay dalalka kala duwan ee adduunka.

Guud ahaan horumarinta muqaal ee Hargeysa ee sannadahan dambe waxaa billad dahabb ah mudan ganacsatada deggan, maal-qabeenada kale ee reer Somaliland, iyadoo muuqaalka caasimadnimo ee Hargeysa golaha deegaanka ee dhowaan loo doortay iyo Madaxda ay dooranayaan, laga rajaynayo in ay dhisaan waddooyinka Hargeysa ee qaarna burbursan yihiin, meelaha qaarna ayna waddooyinka lahayn, waxa laga rajaynayaa inay noqdaan qaar wax weyn ku kordhiya adeegyada baahiyaha aas-aasiga ah ee dadka ku nool, tallaabooyinkaas oo noqonaya qaar ay ku diirsadan dadweynaha reer Hargeysa iyo muwaadiniinta reer Somaliland ee iyagu u dabtay horumarinta caasimadda Hargeysa.

Top


Laba Tareen Oo Isku Jiidhay Dalka Faransiiska

France (W.Wararka) - Laba qof ayaa ku dhintay, 10 kalena way ku dhaawacmeen meel ku taala koonfurta bari ee dalka Faransiiska oo ay tareenadu hoos maraan ayay laba tareen isku duqeeyeen 11:00-kii subaxnimo ee waqtiga Faransiiska, labadas tareen oo iskaga horyimid dariiq qudha oo xadiid ah, kuna yaala mariinka tareenada dhulka hoostiisa ee Biona oo ku yaal meel u dhaxaysa Fortan iyo Saint Dalmas oo u dhow xadka dalka Talyaaniga.

Warkani waxa uu intaa ku daray in ay tareenadaasi ku safrayeen xadiidka isku xidha magaalada Nice ee ku taal xeebta Mediterranean-ka iyo magaalooyinka Talyaaniga Ventimiglia iyo Turin, wada marta tuulada Cuneo.

Wakaaladda tareenada ee Faransiiska ee SNCF ayaa sheegtay in tareen ka tirsan hay’adoodu uu ku jiray safar uu kaga yimid waddada magaalada Nice oo ku aadanaa magaalada xadka ku taala ee Tende iyo in tareenka kale ee shilkaasi qabsaday uu ahaa tareen laga leeyahay dhinaca Talyaaniga.

Tiro shaqaalaha gar-gaarka ah oo dhan ilaa 90 qof ayaa ku hawlan taakulaynta tareenadaa shilka galay, tareenada oo ka Faransiisku u siday 40 qof oo rakaab ah iyo kan Talyaaniga oo isna siday 90 qof, lama oga sababta keentay shilkaa sida ay ku warrantay SNCF oo tareenada u qaabilsan Faransiiska.

Top


Hay’adda Baadhista Dembiyada FBI Oo Baadi-Goobaysa 3000 Oo Ciraaqiyiin Ah Oo Ku Dhex-Dhuuntay Maraykanka

Jariirada Washington Post ee ka soo baxda Maraykanka ayaa laga soo xigtay war ah in hay’adda FBI ay baadi goobayso halka ay ku dambeeyeen (3000) Saddex kun oo ahaa dad u dhashay Ciraaq oo ku sugnaa maraykanka gudihiisa.

Sarkaal aan magaciisa la xusin oo ka tirsan hay’adda FBI ayaa ugu waramay jariidada Washington Post in laga cabsi qabo in dadkaas ay qaarkood ku xidhnaayeen argagixisada ama ay basaasiin u ahaayeen madaxweynaha Ciraaq Sadaam Xuseen.

Jariidada Washington Post waxaa kale oo ay ka soo xigatay sarkaal maraykana oo ka hawl gala la dagaalanka argagixisada in uu yidhi "dhab ahaantii ma garanayno inta ay arrinta waxyeeladeedu le’eegtaya laakiin mawduucani waa mid dhaba oo jira."

Saddexdaa kun ee dadka ciraaqiyiintra ah ee FBI ay baadi goobayso halka ay ku suganyihiin, waxay ka mid yihiin (50,000) konton kun oo ah ciraaqiyiin u qaxay Maraykanka oo ay FBI-du doonayso in ay wax ka waydiiso weerar suurta gala oo Milatari haddii lagu qaado Ciraaq.

Inta badan qaxootiga reer Ciraaq ee magangelyada ku jooga maraykanka waa ka soo horjeedaan Sadaam Xuseen, laakiin saraakiisha FBI waxay ka werwersanyihiin dadka aan lagu kalsoonaan karin in ay Sadaam ka horjeedaan iyo in kale ee ah Ciraaqiyiinta ku sugan Maraykanka.

Jariidada Washington Post ayaa ku qiyaastay in dad tiradoodu tahay (300,000) saddex boqol oo kun oo asalkoodu ka soo jeedo Ciraaq in ay ku nool yihiin maraykanka, sida ay ku warbixisay qunsuliyadda Ciraaqiyiinta u jooga Maraykanka, waxay dadkaasi intooda badan ku noolyihiin Michigan, California, Pennsylvania, Tennessee.

Saraakiisha FBI waxaa hore ugu warameen in uu Sadaam Xuseen u hawlgaliyay ardayda Ciraaqiyiinta ee ku nool Maraykanka in ay u ururiyaan Ciraaq xogaha sirta ah ee ku saabsan tiknoolajiyada Maraykanka.

Top


Dawladda Sucuudiga Oo Albaabada U Furtay Hay’adaha Xuquuqul-Insaanka

Riyadh (W. Wararka) Kooxda Caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha ayaa shalay la kulantay wasiirka arrimaha gudaha ee boqortooyada Sucuudi Arabia Amiir Na’if Bin Abdul Casiis, kooxdaas oo booqashadeedii ugu horeysay ku tagtay dalkaas.

Hay’addan xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch (HRW), wafdigeedani jooga Sucuudigu waxay halkaa ku tageen booqasho (2) laba todobaad ah oo ay Sucuudigu kala xaajoonayaan garsoorka iyo xuquuqda haweenka, ururkan oo fadhigiisu yahay magaalada New York ee cariga maraykanka waxay tageen magaalada Riyaad todobaadkii hore iyagoo hore ula kulmay wasiirka arrimaha dibada ee Sucuudiga Sucuud Al-Faysal, wasiirka Cadaaladda Cabdul Al-Sheekh iyo saraakiil qaabilsan xabsiyada dalkaas.

Booqashadani waa markii ugu horeysay ee ururkan madaxa banaan ee xuquuqda aadamaha loo ogolaado wadamada aan siyaasadahooda dhinaca aadka ugu furfurnayn ee Khaliijka.
Hay’addan HRW waxaa u qorshaysan in ay Sucuudiga kala hadasho shuruucdiisa cadaalada iyo in wax ka badelo eedaynta loo soo jeediyay ee ah inuu jeelalka maxaabiis iskaga hayo muddo dheer.

Hanny Megally oo ah ninka hogaaminaya (5) qof oo wafdiga hay’adda HRW hadda booqashada ku jooga Sucuudiga ayaa sheegay in uu doonayo wax ka ogaanshaha qorshaha Sacuudiga ee dib habaynta siyaasadiisa iyo dib u doorashada golaha la tashiga ee shura xubnaheeda.

Diblomaasiyiinta reer galbeedka ayaa laga soo xigtay warar sheegaya in ninka leh dhaxalka boqortooyada Sacuudigu uu ugu baaqay dalalka Carabta in ay sameeyaan isbadel siyaasadeed oo talada lagaga qayb galinayo dadka dalalkooda.

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadamaha khabiir ka tirsan oo booqday Sacuudiga bishii October ee sanadkii hore ayaa laga soo xigtay in ay dib u riixeen isbadelkii lagu samayn lahaa arrimaha garsoorka ee Sacuudiga diidmo kaga timid isbadelkaa Sacuudiga gudihiisa.

Tan iyo weerarkii biimaha ahaa ee lagu qaaday Washington iyo New York 2001 wixii ka dambeeyay waxaa jiray cadaadis isa soo tarayay oo wadamada reer Galbeedku ay saareen Sacuudiga si uu ugu soo dabaalo dalkaas hanaanka dimuqraadiga ah.

Bishii December ee sanadii tagtay waxay dawladda Maraykanku ugu talo gashay ilaa $29 Milyan oo xoojinta dimuqraadiya ee wadamada ku yaala bariga dhexe.

Laakiin dhinaca dhaliilaha waxaa la sheegayaa in dawladda Washington ay iska indho tirto xuquuqda dakda ee ka jirta Sacuudiga si ay u hanato taageerada dalka Sacuudiga ee ka soo horjeeda Madaxweynaha Ciraaq Sadaam Xuseen.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE

A. A. Garas

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydun ka macmiilataan mawjadaha kaftan maalka iyo ilaaq dhaadhiga. Dhegaystayaashayada dhakada amranow, waxaan soo ganayaa war iyo wareysiyo, fadlan yaanu cawarine carruurta ka ilaaliya, waxana afka maanta ku sharibi doona weriye Mr. War shukul ina Shuuro u maydhe.

Isagii Afka Dhuubnaa
Caasimadda Shankaroonland ee Hargeysa ayaa laga sheegay in ay maydhan kari wayday biyo la’aan darteed, inkasta oo aan dadka weli surmigu madax marin haddana in dhawaanahanba waxaa soo baxaysay basar-xumo biyo suqu-qul ah.

Biyoole u hadlay wakaaladda dhaanka, ayaa cadeeyay in magaaladu cir weynaatay oo biyaha iyo baadkaba badsatay, mana jirto ceelal cusub oo iskood u damcay in ay biyo inagu caawiyaan, iyadoo farsamada biyaha lagu soo fara maroojiyay la sheegay in badownimo ku jirto, sababta biyo la’aanta keentay ayaa loo aanaynayaa in ay keentay kadib markii dadku siyaasadda ku haraaday ee buuqa doorashada loo biyo cabay. Rag badan oo Maayarnimada u sii maydh-maydhanayay, ayaa la sheegay in ay biyuhu ka go’een. War haraadku, waxa kale oo uu intaa ku daray in caasimad yarta Burco biyo-yaraan darteed ay xiiran kari wayday, iyadoo la sheegayo in maayarkoodii ay engega ugu xiireen golihii deegaanku.

Magaalada Hargeysa mar aan dhex shaambinayay ayaan ku arkay caagado saamaleyl ah oo haraad la ledi waayay oo mir dhexe qasabad quudaya, iyagoo laga baqo qabo in dadka iyagoon cidna u sheegin iska tarmaya ay ceelashu ku filaan waayaan.

Dagaalka Naafatada
Tuugtii Ciraaq baadhaysay, ayaa agabkii ay soo xadeen shalay la tegay xarunta Naagaha Midoobay ee Nayuu Yarik. Jawaano iyo shandado waaweyn oo run iyo beenba lagu soo cabeeyay, ayaa ilaa xalayba lagu faganayay xarunta tuugtaas oo magacooda la yidhi; "International Tifis" "IT" oo adduunka dhumucdiisu aad u dhowraysay soo noqoshadooda, ayaa waxa la sheegay in Koofi Canaan ka-yaabka iyo colkiisu weli jaqayaan oo nafta ku hayaan wixii Ciraaq laga keenay oo uu ka sheekeeyay tuuga tuugta ugu weyn Hannas Figis, waxaanu yidhi; "Ciraaq waa haysaa bahalo wax laaya, ilaa 600 oo sayruukh aragnay, kuwo kale oo waaweyn naloo sheeg. Waxa kale oo aanu soo aragnay dusuudii iyo dabkii sunta lagu karsaday, buugaagtooda waxa aanu ku aragnay bahal wax gumaada, markaas waxay ila tahay in Ciraaq hubka laga dhigo." Ninkaas oo aan is idhi malaha waa fule, wuxuu yara qirayay qorshihii Maraykaani.

Madaxa Baadhka bahalka wax gumaada, Mr. Bucurde, ayaa yidhi; "Wax war ah weli lagama soo saarin," haddana marka aan qiyaas toogad ku sameeyo, warbixintaas waxay odhan doonaan, "Waxaanu u baahanahay wax dheeraad ah oo tuugnimada lagaga bogto, muddadii aanu baadhanay maanu arag meel uu hurdo hubka wax gumaada iyo garaamo Nukleertoona, waxaanuse aragnay ragganimo iyo cilmi sameyn kara hubka halista ah. Markii aanu baadhaynay Dawladda Ciraaq nagamay carcarin ee meesha aanu is nidhaa baadha wey noo salaxaysay oo si wacan bay noola shaqeeyeen. Balse, haddii sannad kale wakhtiga tuuganimada naloo jidiidiyo, laba mid in aanu dalkaba dhammaantii internetka ku ridno oo aanu baaswoordh ku xidho carabka ku baadhno oo haddii aanu wax ku aragno ku fasaxno Maraykankan haliilaya. Arrinta labaad waxaa laga yaabaa haddii muddada la kordhiyo in Maraykanku sakhradda Ciraaq ka baxdo oo miyirkiisii Alle u soo celiyo."

Amuurta bariga dhexe oo beryahanba dunida baaxad joojisay, iyadoo ina Bushe qaare ama bud madax buuran Baqdaad la dul taagan yahay, iyadoo dunida kalena waar maad ka daynta hayso. Amuurtan baadhayaasha oo ka mid ahayd heesaha Bob Raabka loo yaqaan oo umul-mutaxidku ku sasabayay Maraykanka milikhsanaya, waxaase la sheegay Maraykanka aanu jirin cid ka baxsanaysa oo xataa Yuu Enka laftiisa teroriisam ku eedeeyo oo daarta dheer koofi Canaan fadhiisto laga dhigo guri cad ee dunida looga taliyo, marka madaxweynayaasha kale ee dunida badhasaabada laga dhigo, sida riyada maraykanka laga soo xigtay.

Dagaalkan naafto weerarka ah oo ay ka xishoodeen madaxdii dunida ee Xilasaamadka ahayd iyo madaxyo weyntii kale, balse waxa loo taag la’yahay labada kurey ee Buus iyo Baleyr lakala yidhaa. Kureyga Maraykanka oo anigu hooyadii maan aqoonine, odayga dhalayba waallan jiray, waxaase layaabanahay kureyga Ingiriis nacasnimada intan le’eg xaguu ka keenay, dalka Ingiriiska oo nin weyn loo yiqiinay ayaa la sheegay inuu noqday buraashad Maraykan sito. Baarlamaanka dalkaas, ayaa baleyr naftiisu ula ekaaday xabad kiniin ah oo ina bush xumada bariga dhexe u liqay.

Wadamada ku bahoobay Enjii-ooga Yurub, ayaa ka faagtay fule-guulka xukuumadda waashiinikaan. Reer yurub oo ururkoodu ka carabta ka ciyaalsan yahay, balse si degdeg ah u muruqyo goostay, waxa la sheegayaa in ay sida feedka isu kuuseen oo isu diyaarinayaan in ay wax iska reebaan, haddii waalidu fido. Mid ka mid ah kooxda talada Maraykan silcinaysa, ayaa sheegay in ay jiraan tobaneeyo wadan oo hagbada dagaalka kula jira, iyadoo la ogyahay Ingiriiska mooyaane in ay jiraan qaar ka mid ah dalalka shaamboo-xayraanka ah dunida, sida; Qadar, Kuweyd, Ustaraaliya, Laadfiya, Jinjaaniya, Arimaaniya iyo Alqaacidaaniya. Inkasta oo wadamada bariga ay yihiin ciyaalkii Ruushku dhalay oo qaan gaadhay, tas oo laga yaabo in Maraykana ay lacagta ka qaataan, siyaasadda waalidkoodna raacaan.

Wadamada indhaha naqnaqan, ayaa la sheegay mataanaha ilma kuuriya, is huunaysteen, iyada oo il yarta waqooyi Maraykaanku ku eedeeyay in ay caawio u biday cilmiga hub sancaynta. Mataanta ka yar ayaa Jabaaniisku eryatay eegayaashii hubka, waxaana la sheegay in ay sameysatay beero gantaalo ah oo haddii dunidu ka gadan weydana ay la dhici doonto dalkaas kuuriya nooradh oo xoolihiisu hubka yihiin waxa lacag ku daldalay dawladaha carabta ee intii Raggu hubka samaynayay ku mashquulsanaa cunto karinta xakamaynta xoolahayaga.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalkan oo u muuqda mid shirkii go’ay waxa laga yaabaa in warbixintan tuugtu maanta sheegtay in ay Maraykanka basbaasayso, iyadoo anigu aan u malaynayo inuu Buush ka baqan doono keli haddii la soo sheegay in hubkii uu ka baqan jiran Ciraaq haysato.


Gabay A. A. Garas
Kaahin iyo Riyaalow,
Dad waa kalama maarmaane
Wuxuun baa la keenaa
Haddii king lagaa dhigee.
Kursiguun ha yuururin
Sidii xaamid karasaaye
Ka kacoo wax qabo
Hawl aduun midiba waa kiile
Kolaad koosku waa badanyahee
Kiiniya uu duusho ama aad
Kornayladan casilan kala shaqaalayso
Wasiiradan kaldhaafka ah
Kolaad subax u kaartayso
Suldaanadan iskaashaday
Kolaad kaare ku istaadho
Kolaad maayaradan wada kashbacay
Koodhka wada taagto.
Kastamada sidoodaba
Kolaad koone kala geysid
Kululaaye koofiyad baclii
Meel kastuu jiraye iyagana
Kolaad kaabto ood kiish
Wax ugu laabto
Kaanbeeynka dhaca ina rag
Waa loo kal tiriyaaye
Kilkilkiyo xasuuqii haddii
Laysku soo kediyo.
Labadiina kooxood
Haddaan kiiska la cadaynin
Kaftan dooni maaye haddaan
Aniga laay keenin
walee inaan kubaayadaha jejebin
kibirku waa ceebe.

Top


Yaabka Dunida Maxaad Ka Ogtahay

M.M.Muuse

  1. Waxa jirta qoomiyad la yidhaahdo Jukshi (chukchi) oo ku dhaqan dalka Iskiimooska, qoomiyadaasi caruurta ay dhalaan waxay dhexda kaga xidhaan Koor, sababta ay caruurta koorta dhexda ugaga xidhaana waxay tahay xiliyada ay ceeryaamadu jirto ee ay caruurtu lunto si loo maqlo dhawaaqa koorta, ka dibna ilmaha loo helo.

  2. Ninka la yidhaahdo Cloud Noy Thought waxa uu dhashay sannadkii 1787-kii, wuxuuna dhintay 1861-kii, Cloud Noy waxa uu ahaa hogaamiyihii ciidamadii boqorkii la odhan jiray Napoleon, laakiin maalin maalmaha ka mid ah ayuu Cloud ugaadhsi tegay, ka dibna wuxuu la kulmay basha Yey-da la yidhaahdo, wuxuuna ku riday rasaas, wuuna dhaawacay, laakiin Yey-gii isaga oo dhaawac ah ayuu baxsaday, balse intaa kagama hadhin ee wuu baadi doonay, ka dibna inta uu lug ka bilaabay meesha la yidhaahdo Ficksin oo ku taal dalka Faransiiska ayuu lugtii ku galay meesha la yidhaahdo Bresselis ee dalka Beljimka, wuxuuna jidka uu qaaday dhererkiisu ahaa 60 KM., waxayna Cloud da’diisu ahayd 70 Jir.

  3. Dalka Talyaaniga gudihiisa waxa ku taal tuulo yar oo magaceeda la yidhaahdo Atrani, waxaana tuuladaa ku nool dad gaadhaya ilaa 2600 oo qof, isla markaana tuuladaa waxa dhinac ka xigta bad, halka ay dhinac kalena buuri ka xigto, sidaa darteed guryaha ka dhisani mid-ba midka kale ayuu ku dhegan yahay, taasina waxay keentay inaanay magaaladaasi haba yaraatee lahayn waddo qudha oo baabuur mari karaa, taas oo aanay magaalada waddo gaadhi dhexmarin.

  4. Ninka la yidhaahdo Henaric Papenhim oo ay dhalashadiisu tahay Swedish waxa uu dhashay sannadkii 1594-kii, laakiin 1632-kii ayuu dagaal ka dhacay meesha la yidhaahdo Luzin, ka dibna ninkaasi waxa uu dhaawacmay dagaalkii oo socda, laakiin ciidankii uu la socday ayaa qaaday oo geeyey meel goobta dagaalka ka yara durugsan. Hase yeeshee Henaric isaga oo weli yaal meeshii la geeyey, dagaalkiina uu weli socdo ayaa loo soo sheegay in la dilay boqorkii markaa Sweden ka talinayey, boqor Gustavosin oo hogaaminayey ciidanka ka soo horjeeda ciidanka Henaric Pepanhim, laakiin Henaric markii loo soo sheegay dhimashadii boqorka ayuu farxad awgeed qosol afka kala qaaday, balse sidii uu u qoslayey ayey isna naftu ka baxday. 

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 75aad

Mingistu:Ururadii jiray waxaan ugu baaqay shir, taas oo aan ku guulaystay inay ururadaasi shirkaa ka soo qayb galaan, waayo waxa ka soo qayb galay xisbiyo badan oo ay ka mid yihiin: MA’ISO, WAZ, LEAGUE, ICHAT, ABYOOTAWI SADAD, IKOPA iyo weliba xisbigii gobanimo doonka Canfarta, sidoo kale waxa iyaguna si ay arimaha wax noogala qabtaan ka soo qabtaan shirka nagala soo qayb galay niman ka tirsan dadweynaha rayidka ah. Dabadeed dhibaatadii ka jirtay Ereteriya waxaanu ka soo saarnay jadwal siyaasadeed xaqiiqo ah, sidoo kale waxaanu soo saarnay barnaamij ku talo galkiisu yahay horumarinta Qaranka Itoobiya si loola simo wadamada dunida ee hore u maray, taas oo ay ujeedadu ahayd inuu barnaamijkaasi noqdo mid ummadda Itoobiya la sima ummadaha caalamka kale ee hore u maray, isla markaana meesha ka saara colaadaha ka dhexeeya dhinacyada kala duwan ee mujtamaca reer Itoobiya, sida: Colaadaha qabaa’ilka dhexdiisa, qoysaska dhexdooda iyo shakhsiyaadkaba.

"Run ahaantii mucaarad baanu ku nahay kuwiina leh maamulka iyo kacaanka Itoobiya waanu u niyad sanahay, markaa hadii ay arintiinu sidaa tahay maanta weeye xiligii aad safka wax qabadka soo geli lahaydeen"ayaan ku idhi, ka dibna si nabadgelyo ah ayaanu gacmo furan ugu soo dhowaynay, laakiin jawaabtii ka soo yeedhay qolyihii waqooyiga waxay noqotay mid diidmo ah, waxayna yidhaahdeen "Anagu Itoobiyaan ma nihin, isla markaana intaas oo sannadood ayaanu kacaankayaga soo wadnay ee hadda maanu bilaabin, markaa kacaankiinu nama khuseeyo, sidaa darteed hadii aad leedihiin waxaanu nahay niman kacaanyahano ah waxaad xaq dhawrtaan qoddobka leh cid waliba iyada ayaa aayaheeda ka talin karta, markaa noo ogolaada xornimadayada". 

Laakiin marka laga yimaado qolyahaa intii kale waxay soo jeediyeen fekrado si adag uga soo horjeeda aragtidaa, iyadoo ay weliba sugan tahay madax banaanida xagga ra’yiga ee xisbiyada shirka ka soo qayb galay, sidaa darteed marka la isu wada geeyo waxaanu aragnay inay kacaanka taageersan yihiin, dabadeedna shirweyn oo ay yeesheen golaha wasiirada iyo golaha dhergigu ayaanu arintaa kaga wada tashanay, sidaa darteed maadaama aanu ogolaansho (Mandate) ka helay shirkaa aniga (Mingistu) iyo Lij Makaa’il iyo weliba nin kale oo saraakiishii dhergiga ka trisanaa ayaa waraysiyo muddo dhawr bilood ah qaatay la yeelanay qolyihii xisbiyadii, taas oo aanu ama dhinacayaga ha ahaado ama kuwa kale ha ahaadee mid ayaanu ugu yeedhnay, ka dibna mid walba keligii ayaanu gooni u waraysanay. Intaa ka dibna waxa la qabtay shir aan anigu (Mingistu) hogaaminayo, shirkaasna waxa ka soo qayb galay wakiilo ka kala socda ilaa shan xisbi, ka dibna markii shirkii la soo fadhiistay ayaanu nidhi "Ajandahayagu waa sidan, mawqifkayagu waa sidaas, isla markaana dhibaatada waqtigan Itoobiya haysataa waa noocaa, markaa halkii uu nin waliba sida ay la noqoto yeeli lahaa, waxa ka wanaagsan inaynu awoodeena iyo kartideena inta aynu isla kaashano inaynu shicibka Itoobiya cagahooda ku taagno oo wax ka dhigno, sidaa awgeed halkii aynu dariiqyo badan kala mari lahayn waa inaynu waddo qudha wada qaadno, markaa su’aasha ama arinta maanta ina hortaal waa taa ee sidee baad u aragtaan". 

Dabadeedna hindisahaa si wanaagsan ayey u aqbaleen, marka laga reebo dood yar oo ku saabsanayd sida su’aalaha ama arimaha loo kala saarayo mooyee, ka dibna su’aalo badan ayey ii soo jeediyeen, iyaga oo imtixaan badan iga qaaday, laakiin run ahaantii maadaama aan arintaa wixii su’aalo ka iman kara hore ugu soo diyaar garoobay su’aalahooda wax dhibaato ah umaan arkayn, sidaa darteedna fekraddii hore ee ay iga haysteen waan ka masaxay, taas oo aan su’aalahoodii iyo doodahoodii ka aqbalay, taasina waxay ahayd si ay ii aaminaan. Sidaa awgeed shantii xisbiba way aqbaleen arinta. Laakiin labadii xisbi ee Oromada iyo Canfartu inkasta oo aanay shirka uga soo qayb gelin qaab xisbi ee ay uga soo qayb galeen qaab qabiil, hadana way is daad raaciyeen arinta oo waxba may diidin. Laakiin xisbigii ay Ereteriyiintu lahaayeen waa la kari waayey, waayo iyagu shirkaa waxay u arkayeen si kale.

Run ahaantii wax fudud may ahayn in xisbiyadaa la isu soo ururiyo meel la isugu keeno. Sidaa darteed markii aanu taa ku guulaysanay ee aanu aragnay inay arinta midnimada ogolyihiin, isla markaana aanu aragnay khibradda ay arimaha Itoobiya u leeyihiin iyo weliba firfircoonidooda iyo sidoo kale markii aanu aragnay inay soo dhoweeyeen balanqaadyada la galay, ayaanu ka fekeray su’aal ah "sidee baynu isugu soo shirin karnaa oo aynu uga soo xuli karnaa intaas oo qof si aynu isugu soo dhowayno intaas oo xisbi oo ay u tashan karaan, isuna aamin karaan, maadaama uu barnaamijka la doonayaa yahay isku duubnida axsaabta, iyadoo lala dagaalamayo ama la diidan yahay inay axsaabtu noqdaan kuwo iska soo horjeeda". Sidaa awgeed markii aanu arinta xisbiyada ka hadlaynay ama iswaydiinaynay waxaanu is nidhi "Miyey tahay inay taageerayaasha xisbiyadu kala mawqif duwanaadaan oo ay halkaa colaadi ka abuuranto, taas oo ay xisbiyadu noqdaan kuwo mid-ba midka kale ka soo horjeeda", laakiin si taa meesha looga saaro waxaanu yeelanay wada tashi... 

La soco cadadka dambe.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Waxa Muuqday Dhaliilo

Laga Soo bilaabo Geeridii Madaxweynihii Hore Marxuum Maxamad X.I.Cigaal Alle ha u naxariistee Somaliland waxay Soo martay Marxalado kala Duwan hadaba waxaa soo baxay dhaliilooyin aad u badan oo ka soo burqamaya xukuumada Somaliland.

Xagay ka imanayaan Daldaloolada ka soo if baxaya xukuuumada Somaliland tan iyo waqtigaa:

A) laga soo bilaabo Taariikhdu markay ahayd dhamaadkii june 2002da Madaxweyne Rayale iyo Wafti Wasiiro ah oo uu hogaaminayaa u socdaaleen Jabuuti iyadoo wakhti yar uun laga joogo markii laga celiyey Waftigii Jabuuti ee imanayay Geeridii Madaxweynihii hore Alle ha u naxariistee waxay ahayd Socdaal lama filaana oo dhammaan shacabka reer Somaliland kadis ku noqotay iyadoo la ogyahay xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland ka dhaxeeya in uu ahaa kaaf iyo kala dheeri si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Raayale iyo waftigiisii waxay qaadeen tallaabo ay xal u arkeen markaa, Madaxweyne Rayale Waxa uu soo laabtay isaga oo wada guulo dhawr ah in la isu Furo xuduuda kala xidhan iyo in wixii hore la iloobo bog cusubna lo furo xidhiidhka labada Dawladod iyo rajooyin aan ka soo bixin madaxtooyada wali!! hadaba socdaalkani waxa uu wax u dhimay sida dad badani qabaan xidhiidhkii Labada dal ee isku sanka banaanaa iskuna wanaagsanaa ee Ethopia iyo Somaliland waxaa laga joogaa muddo kor u dhaaftay Sannad badhkii markii heshiiskaa lala galay Jabuuti balse waxaad moodaa in uu waxba kama jiraan ahaa oo ay jabuuti halkeedii ka miistay oo ay joojisay kaliya hadal ku dirirkii arrintan oo noqotay labada dhanba midwalba seeg Ethopia oo runtii u ahayd Somaliland garab wanaagsan ilaa iyo hadda wali ma cadda xidhiidhka sida mugdigu u galay. 

B) Wax yar ka dib wakhtiyadaa waxaa yimid magaaladda burco uu ku yimid diyaarad sida ay saxaafadu qoreen Mr. C/raxmaan Shuluco oo ah wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Jaamac Cali Jaamac ee laga eryay maamulka Majeerteeniya dhacdadan oo ahayd markii labaad ee uu si caadiya u dhex mushaaxo Somaliland dhexdeeda isaga oo marka sheeganaya in uu Wasiir u yahay Gobolo ka mid ah Gobolada Somaliland (Sool & Sanaag) xuuumadda Somaliland talaabo ay arintaa ka qaaday may jirin.

C) Isla mudooyinkaa wuxuu Madaxweynuhu ku tagay Socdaal rasmi ah oo uu ka helay Raiisul wasaaraha Ethopia Meles Zenawi halkaas oo ay isku qaabileen Labada Madax hogaamiye waxaa la galay heshiis dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen in cilaaqaadkii ka dhaxeeyey Somaliland iyo Ethopiya kor loo sii qaado in ganacsiga labada dal la isu furo in Ethopia isticmaasho dakada Barbara in Ethopia ka gaysato gacan dhisida Jidka isku xidha Berbera Togwajaale ilaa Jigjiga heshiisyadaa oo dhan ayaa la soo galay waxaad se moodaa in gaabsi ka yimid dhanka Dawlada Ethopia, wakhtigan xaadirka ah Ethopia waxay haysataa Gawaadhi aad u tiro badan oo ay leeyihiin Ganacsatdada reer Somaliland ee ka raadsada nololmaalmoodkooda, Wafti ayay xukuumaddu u dirtay Ethopia si ay u xaliyaan arrintan iyaguna waxay la soo laabteen faro madhan iyo ballan qaad aan wali fulin su aashu waxay tahay sartu xagay ka qudhuntay?

D) Isla wakhti yar ka dib bishuna ay tahay Aug. waxaa Somaliland yimid Wafti ka soo kicitimay Koonfurta Somaliya oo uu hogaaminayay Dr. Bood waftigan oo mar horena yimid dalka waxay sheegeen in ay ahaayeen wafti iskood isu abaabulay oo ah xildhibaano doonayayna in ay Somaliland u fidiso heshiis ay ku heshiisiiso Kooxaha Hubaysan Ee Somaliya isku laynaya waftigani waxay joogeen Hotelada clasicga ah ee Somaliland in mudo ah waftigan umadu way ka gilgilsoontay balse xukuumadu way u caga dajisay in yar ka dib waftigii markii ay ku laabteen Saldhigoodii waxay la soo baxeen shaadh hoose oo ahaa in ay ka tirsanaayeen Kooxda ku meermeertada ah ee uu Horkaco Cabdi Qasaaro waxayna Sheegeen in wada hadalo usocdaan Somaliland iyo Somaliya oo khuseeya heshiish ah sidii dalka dib la isigu soo celin lahaa waa se mid u noqotay cashar Dawlada Somaliland. 

E) Wafti ballaadhan oo ka kooban Guurti, Salaadiin, Siyaasiyiin, Waxgarad iyo aqoonyanoo ayaa loo diray gobolka Sool si loo xoojiyo Maamulka Dawlada ee Barigga Gobolka Sool in ka badan 90 cisho ayay guryohoodii waftigaa balaadhini ugu maqnaayeen wada hadalada waftigaa iyo garaadada reer sool wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan oo aad loo amaanay waftigani way ku guulaysteen arimo dhawr ah in ay heshiisiiyaan laba beelood oo deegaankaa dega oo xurgufi dhex taalay waxay waftiga iyo garaadadu ka sinaayeen in la horu mariyo gobolka noloshiisa waxaa kaloo lagu heshiiyey in dhamaystir lagu sameeyo maamulka ka daciifka ah bariga Sool waxaa la soo gaadhay wakhti uu u guureeyey Madaxwene Rayale iyo wafti uu waday Gobolka Sool halkaas oo madaxweynuhu kala kulmay qashqashaad iyo xabado lagu riday waxaa khatar gali gaadhay naftiisa iyo waftigii la socday ilaahayse ka badbaadi ciidamada waxaa sameeyeyna ay ahaayeen Dayday kala yaqaan dhulka.Hadaba heshiiska lala galay garaadada reer Sool sidee buu ahaa? timir lafbaa ku jirtee ma martay xukuuumadu shuruudihii waftigu waday mise way garab mareen?

F) Maxaa ka jira ciidamada Majeerteeniya ee ka dhigatay Somaliland garoon la isugu jawaabo oo lagu ciyaaro Dagaalka in mudo ah sidii loo xabadeeyeyba Madaxweynihii Dalka waxaa caado u noqotay ciidamada Meerteeniya in ay is ka ugaadhsadaan gudaha Dalka ee gobolka sanaag waa maxay ajandaha kaga gudboon dawlada ciidamada Cadde Muuse ee ku sugan Ceel-Afweyn iyo ciidamada C/laahi yuusuf ee ka soo gudbaya Xadka, ma midbaa ina taabacsan inaga maxay ilaa hadda u fadhiyaan ciidamadda Cadde Somaliland waxa uu aaminsanyahay miyaa u hirgashay in uu fadhiyo Gobolka mid ah gobolada maamulikiisu sheegto xagay ka liigaysaa xukuumadani wasiirka Daakhiligu wuxuu sheegay in ay ciidamadda Somaliland dhaqaale la’aan u saamixi weydey in ay dagaan Xuduuda Dalka waxaa hadalado isna ka yidhi Arrintan Md. Farxaan Cali oo ka mida golaha Wakiilada isaga oo ku sheegay kalfadhigii hore ee ay yeesheen goluhu in ay jirto in ay xukuumadu la itaal darantahay mushaharka Ciidamada oo ay ciidamadu la,yihiin mushaharkooda muddo ku dhaw dhaw Dhawr bilood Dawlada Somaliland waa mid u karta dhaqaale Ciidamadeeda ee arintani haday jirto maxaa wax looga qaban waayay?

J)Waxaa jira in uu maayarkii hore ee magaalda Burco iyo koox uu faquuqday Dhawaan tageen Garoowe isaga oo socdaalkiisan ku macneeyey arimo beeleed hadaba waxay nu ognahay in uu ku bixinayay magaaladda burcu shir jaraaid isaga oo halkaa ka cadeeyey in ay go aamo meel wada dhigteen C/laahi Yuusuf maxay la damacsantahay dawladu xaaladan talaabadda sharcigu dhigayo maxaa looga qaadiwaayay ninkan qaran dumiska ah balaayadu hor la qabto bay leedahay se dabo la qabto malaha, maxaa ka jira wasiiradda lagu eedaynayo in ay ku lug lahaayeen dirista Kooxdan Tagtay Garoowe iyo waliba in ay ku lug lahaayeen Qashqashaadii uu kala ulmay Madaxweynuhu Laascanood.

H) Xukunka Degdega ah ee saaran Gobolka Sool waa mid sideeya ma waxaa laga cuna qabateeyay kaliya Doorashooyinka iyo lacagtii sasabada ahayd ee u tagi jirtay mise waxaa jira ficilo kale sida ciidama xuduuda xidhay oo la geeyay ciidamo amaanka suga suaashan ugu danbaysaa waxa weeye Marxuum Cigaal dabadii intaas oo daldalool baa ka soo baxay xukuuumadan jirta imika salaadeedu xagay ka xidhmi ladahay???

Cumar Cabdi Nuux
Helsinki Finland

Top


Shaxda Rag Baa Dusha Ka Jooga

Anigoo ah akhrisaha magaciisu yahay Cumar Cali Gaagaab, waxa ka hadlayaa arrin yar oo aan sidaa u sii waynayn oo aan shalay ka dhagaystay Radio Hargeysa taas oo ahayd in xaafada Jigjiga yar oo la odhan jiray Koodbuur waxaa loo bedelay Xaaji Ismaaciil Faarax, cid kastaba ha ahaato cida ay ka soo fushay laakiin ma waxay moodayaan in ay taasi noqon karto wax ka soo qaad leh miyaanay ogayn in ciidan dhan oo SNM ahaa oo magacaa la odhan jiray in la burburiyay in la kala diray shaxda ragbaa dusha ka jooga.

Cumar Cali Gaagaab
Hargeysa

Top


Harag Sakaaro Isu Daysta Mooyee, Is-Dul Buuxin Ma LahaHarag Sakaaro Isu Daysta Mooyee, Is-Dul Buuxin Ma Laha

Tan iyo maalintii gooni isu taaga Somaliland lagaga dhawaaqay magaalada Burco 18 May 1991kii waxa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland soo maray todoba Maayar.

Haddaba maayaradan jagada u kala dambeeyay, ayaa waxala odhan karaa qaarkood way guteen waajibaadkoodii iyo xilkii loo igmaday.

Waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo wax qabad la taaban karo si hagar la’aan ah ka qabtay magaaladan Hargeysa sida wadooyinka suuqyada magaalada iyo cashuuraha dawladda hoose. Dhinaca kale waxa jira iyagu waxa uu qabto daayoo mushkiladihii uu buuran wali xalintoodii ugu jiro mudana ay qaadan doonto. Waxay caan ku noqdeen musuqmaasuqa dhulka oo dhaxalsiisay in shaqada laga tago, isaga oo damac ka galay goob qof kasta oo muwaadin ahi indhaha ka qarsan karin. Haddaba akhriste su’aashu waxay tahay marka garaafka lagu muujiyo todobadan maayarba sababta uu Maxamed Xaashi u noqonayo mid ku muujisan halka ugu sareysa?

Maskax kasta oo fayow way garan kartaa sababta waayo Eng: Maxamed Xaashi oo markiisa horeba u dhashay karti iyo firfircooni ayaa waxa u dheer aqoonta iyo waayo aragnimada Ilaahay ku manaystay. Haddii aan taas intaa ku dhaafo aan hoos ugu daadago nuxurka maqaalkan.

Dulucda
Guusha hordhac leh ee xisbiga UDUB ka gaadhay doorashooyinkii golaha deegaanka 15, December 2002, ka dib waxa soo ifbaxaya muran iyo khilaaf ka dhex aloosmay xubnihii ku guulaystay golaha deegaanka UDUB. Taas oo sabab u tahay cida noqonaysa maayar iyo musharaxnimada jagadaa oo badatay. Haddaba waxa qadarin mudan sida uu xisbiga u soo xulay cidii uga qayb gashay golaha deegaanka iyadoo loo maray sifo waafaqsan sharciga xisbiga.

Waxa iyana xulid mudan sida ay arrintaasi u raali iyo yididiilo u galisay taageerayaashii xisbiga uguna codeeyeen.

Haddaba waxa ayaan darro weyn ah xisbiga UDUB oo ah xisbiga xukuumada isla markaana helay saamigii ugu badnaa codadka in ay ku heshiin waayaan cida u noqonaysa musharaxa halkii laga filayay isku duubni iyo midnimo iyo siyaasada xisbiga oo horumarta ay ku dedaalaan sidii ay u kasban lahaayeen codad kale.
Haddaba waxa hubaal ah in ay arrintani ku danbaynayso "Idaa kasara dabaakhiin fasaq maraq."

Haddaan laga tanaasulin oola isugu daysan waxa aan ku talin lahaa sidan.
Guud ahaan xisbiga oo ah xisbigii loogu hor aasaasay isla markaana ah xisbiga talada haya, run ahaan dalka iyo dibadaba laga jecelyahay. Waa in uu tusaale wanaagsan u noqdo axsaabta dalka ka jirta oo aanu noqon mid dhaliilihiisa iyo goldalooladiisu baahsan yihiin.

Sidoo kale waa in wixii umadu ug codaysay ee aanu noqon mid lagu heshiin waayo kursi (maayar). Haddaba waxa aan kula talin lahaa mudanayaasha golaha deegaanka UDUB in ay raacaan dariiqa ugu munaasibsan ee sharciga xisbiga waafaqsan ee hore loo maray oo ah kaad halkan ku timaadeen (Golaha). Kaas oo ah sidii aad ugu kala horeysiin liiskii musharaxnimada golaha deegaanka. Marnaba ha iloobin inlagu soo xusay aqoon, karti, iyo waayo aragnimadiina. Waxa hubaal ah in magaaladan Hargeysi ay u baahantahay qof aqoonteeda leh oo gudan kara xilka loo igmado shaqadiisana ay tahay.

Sidaa darteed waxaan mudanayaal idin leeyahay: Darmo harag sakaaro ahi isugu daysta mooyee is dul buuxsha lagan wacan.

Xaashi Axmed Xaashi
Maxamuud Axmed Buuni

Hargeysa

Top


Run Sheeg Ma Balaayo Sheeg Buu Noqday

Anigoo tixraacaya maqaalkii cinwaankiisu ahaa marxalad kasta ninkeeday leedahay kuna soo baxay Wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii 1925 ee uu qoray Johar Cabdi Samad, waxaan go’aansaday in aan siiyo jawaab shaafida walaalkay.

Ururka Kulmiye waa mid leh hogaan siyaasadeed oo cid waliba ku qanci karto waa inta alle tusee golihiisa dhexe waa dad xul ah kuwa aad wax ka sheegaysaana waa halyayadii naftooda u huray guushan balaadhan ee keentay in Somaliland cid waliba ra’yigeeda u dhiiban karto si dimuqraadiyad ah.

Waa halyayadii keenay ilayska xoriyada Somaliland, waa kuwii Somaliland ka badbaadiyaya aar goosi sidii ka dhacday soomaaliyada Koonfureed. Waa kuwii xukunka ku wareeijiyay gacanta dadweynaha si aanay u dhicin xukun kali talisnimo, xataa waa kuwii cafiska u fidiyay qaar badan oo maanta la murmaya, anigoo maqaal iyo qalin ku soo koobi karin waxtarkii geesiyaashaa waxaan maqaalkaaga u arkaa mid qabyaalad salka ku haya kaas oo aanay Somaliland maanta u baahnayn in saxaafada lagu qoro.

Talada aad soo jeedsayna waxaa igaga filan maahmaahda soomaaliyeed ee tidhaa, "Talo haween taag daray u dhacdaa."

Midina wayga su’aale run sheeg ma balaayo sheeg buu noqday. Waxaan maqaalkayga ku soo gabagabaynayaa "Geesiga dhulkiisa guusha u horseeda geerida dishaay geedkaa ha ba’o ku gabraaratada gumaysigu ku dhuuntee galabsada xumaanta geedkood ha ba’o"

Sulub Mataan Abdtidoon
Hargeysa

Top


Waadiga Ciyaaraha

Bayern Munich Oo 3-0 Ku Legeday Borussia Moenchengladbada

Kooxda Bayern Munich ee Hogaaminaysa tartanka Bundesliga ee Jarmalka ayaa 3-0 ku legeday kooxda Borussia Moenchegladbach horaantii todobaadkan ciyaar dhex martay.

Owen Hargreaves ayaa u furay goolal dhalintii ciyaarta ee kooxda Bayern Munich daqiiqadii 25aad ee ciyaartaa, laakiin shantii daqiiqadood ee ugu dambeeyay ciyaarta ayaa 2 gool oo isdaba jooga u dhaliyeen Bayern Munich Alexader Zickler iyo Elber, goolalkaas oo ay ku sii xajiyeen guusheeda Bayern Munich ciyaartaa.

Kooxda Borussia Dortmund oo iyadu haysata horyaalka ay u tartamayaan kooxaha heerka (A) ee kubadda cagta dalka Jarmalka ayaa iyadu guul darro la kulantay todobaadkan ka dib markii ay 2-1 kaga adkaatay kooxda Hertha Berlin, goolka hore ee ciyaartaa ay ku hogaaminsay kooxda Hertha Berlin waxa u dhaliyay Pal Dardal, waxase la simay Borussia Dortmund gool u dhaliyay weerarka ciyaaryahanka uga ciyaara ee Jan Koller, Marcelo Marcelinto ayaa goolka labaad ee guushu ku raacday Hertha Berlin u dhaliyay, halkaas oo ay guushu ku raacday kooxda Hertha Berlin ay ku timid kaalinta saddexaad ee tartankaas, kooxda kaalinta labaad kaga jirta ee Werder Bremen ayaa iyadu aan ku guulaysan in ay gaadhaan dhibcaha ay ka horeyso kooxda Bayern Munich ka dib markii ay barbaro la noqotay kooxda Bielfeld.

Tartanka kooxaha Jarmalka waxaa iyana 3-0 kaga guulaysatay kooxda Energie Cottbus oo ugu hooseeya liiska kala dambeynta kooxaha.

Top


Kooxaha Udinese Iyo Raggina Oo Guul-Darooyin Baday AC Milan Iyo Lazio

Kooxda Ac-Milan ee hogaanka u haysata tartanka kooxaha kubadda cagta ee serie A talyaaniga ayaa naxdin kala kulantay ciyaartii axadii dhexmartay iyaga iyo kooxda Udinese oo 1-0 kaga badisay ka dib markii daqiiqadii 36aad uu gool u dhaliyay David Marcelo Pizaro.

waxa daqiiqadii 46aad laga saaray kooxda Udinese Roberto Nestor waxaanay ku ciyaaraysay (10) ciyaartoy, laakiin waxay ku guulaysatay inay hantido (3) dhibcood oo lagu tartamayay ciyaartaa.

Kooxda Lazio oo aan todoba ciyaarood oo ay hore u ciyaartay aan ciyaarna dhinaca dhulka loo dhigin oo aan laga guulaysan ayaa cadho kala kulantay ciyaartii ay axadii la yeelatay Raggina oo 1-0 lagaga adkaaday Lazio markii ugu horeysay xili ciyaareedkan.

Horaantii daqiiqadihii bilawgii qaybtii labaad ee ciyaartaa ayuu Emiliano Bonazzoli u dhaliyay goolka ay guushu ku raacday Raggina.

Top


Barcelona Oo Markii 8aad Laga Badiyay Iyo R. Madrid Oo Barbaraysay

Kooxda Barcelona ayaa la kulantay guuldarradii siddeedaad ee tartanka La Liga ee Spain, kadib markii ay 2-0 ay kaga adkaatay kooxda Celto Vigo oo ay ku guulaysatay daqiiqaddii 72aad ee ciyaartaa ayuu goolka hore u dhashay kooxda Celta Vigo, halka goolka labaadna uu Jesuli u dhaliyay bilowgii qaybtii labaad ee ciyaartaa.

Kaalinta 12aad ay Barcelona kaga jirtaa kala-horaynta kooxaha Spain, waxaanay Saddex dhibcood oo keliya ka sarraysaa heerka hoos ay kooxuhu ugu noqdaan kooxaha heerka labaad.

Real Madrid iyo Atletico Bilbao ayaa iyaguna bararo noqday (1-1). Ronaldo ayaa goolka u dhaliyay Real Madrid, kaas oo ay ku hoggaamisay ciyaarta daqiiqaddii 57aad, laakiin 11 daqiiqadood kadib ayuu Asier Del Horno uu goolkii barbaraha u dhaliyay kooxda Athletico Bilbbao, halkaas oo ay barbaro ku dhammaatay ciyaartaasi.

Top