Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 258 January 31, 2003

Mas置uliyiintii Isaaq Ee Ku Sugnaa Berbera Xilligii Xasuuqii Siyaad Barre Oo Beeniyay Eedayntii Uu Muuse Biixi U Soo Jeediyay Madaxweyne Rayaale

Madaxii Kooxdii Tagtay Majeerteeniya Muuse Madoobe Oo Loo Taxaabay Jeelka Burco

Ceeri-Gaabo Oo Loo Doortay Mayor Iyo Mayor Ku Xigeen

Xubintii G/Deegaanka Berbera Ka Gashay Ururka HORMOOD Oo Ku Biirtay UDUB

Xidhiidh Qarsoodi Ah Oo Dhexmaray C/Qaasim Salaad Iyo C/Laahi Yuusuf

IFTIINKA ISLAAMKA

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Laba Garoowe Ayaan U Dhaxaynaa

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

WAADIGA CIYAARAHA

Real mallorca oo 4-0 kaga adkaatay real Madrid

Liverpool iyo Arsenal oo isbarbareeyay

Jadwalka Qaybaha Koobka Dhallinyarada Aduunka


Mas置uliyiintii Isaaq Ee Ku Sugnaa Berbera Xilligii Xasuuqii Siyaad Barre Oo Beeniyay Eedayntii Uu Muuse Biixi U Soo Jeediyay Madaxweyne Rayaale

Xog-Waraysi Ku Saabsan Iyo Sidii Xasuuqaasi U Dhacay, Ciddii Fulisay

Berbera (Haatuf): Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayay shalay shir-jaraa段d ku qabteen wax-garad, aqoonyahano iyo mas置uliyiin reer Berbera ah, sida uu ku soo warramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil C/raxmaan X. Daahir, waxay odayaashaasi kaga warrameen shirkaa jaraa段d warar ku soo baxay jaraa段d, lagana sii daayay warbaahinta kale ee Somaliland, warkaas oo ku saabsanaa dhacdooyin la sheegay inay ka dhaceen magaalada Berbera, xilligii taliskii Siyaad Barre, waxaana ka mid ah ragga ka warramay shirka jaraa段d rag xog-ogaal ahaa xilligaa oo joogay Berbera sida Yuusuf Caaqil yare, oo ahaa xilligaa isu-duwihii wasaaradda Hawlaha Guud ee Berbera, Maxamed Yuusuf oo isna xiligaa ahaa isu-duwihii wasaaradda gaadiidka, Axmed Maxamed Faarax oo ahaa ganacsade iyo Maxamed C/laahi oo intooduba cadeeyay in uu Daahir Rayaale uu dad tiro badan iyo iyagaba uu ka badbaadiyay in lagu fuliyo xasuuqii halkaa ka socday. 

Yuusuf Caaqil yare oo arrinta ka hadlayaa wuxuu yidhi, "Anigu waxaan ka mid ahaa raggii xilligaa Berbera loogu xidhay waxaad tiihiin wakiilada SNM-ta, waxaana jeelka la iigu geeyay oo isna xidhnaa oo eedayntaas oo kale u xidhnaa ina-Xoogdoon kaa isoo horfadhiya, maadaama uu Daahir ka soo horjeeday xilligaa falalkii ka socday Berbera ee xasuuqa waxaa dadka la geyn jiray xeradii Hengashta oo ahaa ciidan kale, Dahirna wuxuu ahaa taliyaha Nabad-sugidda ee Berbera xilligaa, anagu markii aanu xidhnayn 27 habeen waxaa na soo daayay Daahir Rayaale markii aanu soo baxnay ayaa dad tiradoodu dhammayd 45 qof waxaa laga soo qabtay galbeedka Berbera, anaga ayaa u tagnay Dahir ayaa soo daayay, waxaanu keenay hudheelka ina Dhega Carmo, afar habeen ayuu Daahir ka kaxayn jiray hudheelka si uu u badaadiyo oo ay ugu noqdaan miyigii ay ku noolaayeen, isaga oo Dahir markaa dadkaa badbbaadinayay iskana ilaalinayay maamulkii jiray ee dadka xasuuqayay Dahir Ilaahay ka sokow isagaa nala baxsaday, markaa cidda eedaynaysa Daahir waxaanu codsanaynaa in iyaga maxkamad la horkeeno."

Maxamed Yuusuf oo isna ka mid ahaa mas置uliyiintii xilligaa joogtay Berbera oo arrintaa ka warramayay ayaa isna yidhi, "Anigu marka laga hadlayo xasuuqii ka dhacay Berbera ee xilligii Siyaad Barre, waxaan Ilaahay hortii caddaynayaa mid jooga, mid maqan iyo mid mootanba in dadkii Berbera ku sugnaa abaal weyn loogu hayo Daahir Rayaale, markii dagaaladu dhaceen (1988), waxaa dhacay isbeddel waxaa soo baxay wax la yidhaa Hangash, dadka la xasuuqayna ama la xidhay Berbera waxay ahaayeen dad aan la soo marin saldhig boolis, xafiiska baadhista dembiyada (CID), nabad-sugid midnaba lama soo marin jirin ee Hangashta aya toos loo geynta jiray.

Anigu, anigoo xafiiska fadhiya xilligaa waxaa ii soo galay niman ka tirsanaa xafiiskaa Hangeshta oo watay gaadhi Nissan Patrol ahaa, ugu horrayna waxaa ii yimid nin la odhan jiray Cali Buulo oo qori laad-laadsanayay, wuxuu igu yidhi soo kac, waxaanu I geeyay xeradii Hangeshta oo ahayd xilligaa xafiiskii wasaaradda Beeraha ee Berbera, isteeshin iyo meel kale meelna la ima marin, waxa aan ugu tegay halkaa rag aan wada garanayo oo halkaa ku xeraysan, qaarna marka la keeno oo kabaha iyo dharka laga saaro meel dambe oo ay jaan iyo cidhibb dhigeen lama arkin, anaga waxaa xadhigayga ogaaday Daahir Rayaale oo aanu Berbera xilligaa jaar ku ahayn xaafadda Hindiya Layn ee Berbera, laakiin aanaan aqoon kale isku lahayn, Ilaahay dartii iyo Islaamnimo ayuu Daahir noogu soo gurmaday, aniga, ilma Galiixe, Cali Caga-weyne oo qaar laga soo qabtay tuulooyinka galbbeedka Berbera, dadka uu halkaa ka sii daayay aad ayay u badnaayeen, laakiin waa intaan ka xusuusanahay, sidaa ayaanu xasuuqii kaga badbaaday, markaa Dahir Rayaale xasuuqa ayuu dadkaa ka badbaadiyay. Haddaba waxaa haboon in aan qofka wax aanad cadayn u hayn laguma ribeeyo, waa xaaraan, abaal baananu ugu haynaa."

Odayaal kale oo iyaguna ah rag muddakar ah oo ka caan ah Berbera muddo afartan sannadood ahna aan qaarkood dhinacna uga bixin Berbera oo goob-joog ahaa xilliga Berbera uu ka dhacayay xasuuqaasi, ayaa iyaguna si cad u sheegay in wax-tar uu dadka wax u qabto mooyee aan Daahir Rayale sina loogu maqal waxyeelayn dadkii xilligaa ku noolaa Berbera, xasuuqna hadalkiisaba daa, waxaana ka mid ahaa odayaasha reer Berbera ee uu xog-waraysiga uu la yeeshay weriye C/raxmaan X. Daahir (Casaan) odayaasha reer Berbera sida Sagal, Galaydh, Xasan Carab, waxaanay sheegeen qaarkood in uu Daahir tiirka ka soo furay dad la doonayay in la xasuuq oo hawshaas ay wadeen iyo in hawshaas ay wadeen dad kale oo ka tirsanaa dawladdii Siyaad Barre.

Top


Madaxii Kooxdii Tagtay Majeerteeniya Muuse Madoobe Oo Loo Taxaabay Jeelka Burco

Waxaan U Mahadcelinayaa Boqor Maxamuud Cali Carab, Suldaan Maxamuud Guuleed, Suldaan Maxamuud X. Xuseen

Shir男araa段d - Wasiirka A/Dibedda Somaliland 

Burco (Haatuf) madaxii kooxdii tagtay Garoowe Muuse Cabdi Maxamuud (Muuse Madoobe) ayaa xalay loo taxaabay jeelka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka dib markii ay salaadiin iyo boqoro iyo odayaal ka tirsan beesha uu ka soo jeedo ninkaasi ay xalay iyagu gacanta ka soo galiyeen D/Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Ismaaciil Aaden Cismaan oo hogaaminayay weftiga dawladda ee arrintaa maalmo hore ugu joogay magaalada Burco ayaa xalay arrintaa uga waramay saxaafadda. Axmed Aadan Yuusuf oo ah hawlwadeen ka tirsan Haatuf xafiiskeeda Burco oo isagu arrintan ka soo waramay ayaa sheegay in mudane Ismaaciil Aadan uu u sheegay xalay in uu Mahad celin u soo jeedinayo boqor Maxamuud Cali Carab, Suldaan Maxamuud Guuleed, iyo Suldaan Maxamuud X. Xuseen, oo arrintaa kala hawlgalay dawladda.

Jaraa段d ku sheegay in Maxkamada la hor keeni doono ninkaa la xidhay lana soo qabaqaban doono xubnihii kale ee ka tirsanaa iyo in ninkaasi uu sheegtay hogaamiye kooxeed. Mudane Ismaaciil Aadan wuxuu shirkaa Jaraa段d ku xusay in madax dhaqmeedyada beesha ay hore u cadeeyeen gaar ahaan boqor Maxamuud Cali Carab in ninkaas oo sheegtay in uu ku hadlayo magaca beesha uu ka dhashay. Hase yeeshee uu Boqor si fagaar ah u sheegay in aanu cidna matalin.

Sidoo kalana ay salaadiintu wada jir arrintaa u cadeeyeen iyo in ay Garoowe nimankaas u tageen danahooda gaar ahaaneed. Ka hor inta aan xabsiga Burco loo taxaabin Muuse Madoobe, waxa uu warkani sheegay in 4:00AM subaxnimadii ee shalay in ciidamadu ay isku wareejiyeen gurigii uu Burco kaga jiray ninka la xidhay oo horjooge u ahaa koox dhawaan tagtay Majeerteeniya maadaama ay goobtu ahayd ka mid ahayd xaafada ay ay dadka shicibka ahi deganyihiin ee Burco arrintaa waxaa ka hawlgalay Boqorka iyo Salaadiinta uu qoraalkan ugu mahad celinayay wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland maadaama ay ku guulaysteen xalay inay si nabadgelyo ah gacanta ugu soo geliyaan dawladda. 

Top


Ceeri-Gaabo Oo Loo Doortay Mayor Iyo Mayor Ku Xigeen

Ceerigaabo (Haatuf) Golaha Deegaanka Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa u doortay Ismaaciil X. Nuur inuu noqdo Duqa Ceerigaabo (mayor), waxaa kale oo uu golahaasi deegaanka ee Ceerigaabo uu u doortay Maayor ku xigeen Saalax X. Xasan.

Sida xarunta Somaliland ee Hargeysa, magaalada dekeda ah ee Berbera iyo magaalada Gabilay, wararku waxay sheegayaan in uu jiro loolan loogu tartamayo xilalkaas magaalooyinkaa aanay weli golaayaashooda deegaanku aanay iska soo xulin xilalkaas.

Nidaamkan xisbiyada ee hadda ka dhaqan galay Somaliland iyadoo laga guuray qaabkii beelaha ayaa la qabsiga isbedelka labadaa nidaam ay keentay waxoogaa caqabada ah oo dib u riixay doorashooyinka masuuliyiinta golayaasha deegaanka ee loo dooranayay magaalooyinka Somaliland.

Waxaa kale oo iyana jira magaalooyin aan weli la dooran oo aanay golayaashooda deegaanku weli magacaabin maayaradii iyo ku xigeenada.

Somaliland oo magaalooyinka ay golayaashooda deegaanku ku dooranayaan xilalka maayarada iyo ku xigeenadooda oo xiligii horey ay magacaabi jirtay dawladdu waxay u u muuqataa in nidaam awooda maamulka hoos loogu dhaadhicinayo oo qayb laga siiyay dadweynaha.

Top


Xubintii G/Deegaanka Berbera Ka Gashay Ururka HORMOOD Oo Ku Biirtay UDUB

Berbera (Haatuf) qoraal uu ku saxeexanyahay Calii Jaamac Cigaal oo ah xubintii kaliya ee ururka HORMOOD ku soo baxday golaha deegaanka ee Berbera ayaa shalay soo gaadhay wargeyska Haatuf, qoraalkiisii sida qorayo waxaa uu sheegay in Cali Jaamaac Cigaal uu ku biiray xisbiga UDUB, qoraakaasii waxaa lagu sheegay in uu isagu Cali Jaamac is u go誕ansaday inuu ku biiro Xisbiga UDUB.

Top


Xidhiidh Qarsoodi Ah Oo Dhexmaray C/Qaasim Salaad Iyo C/Laahi Yuusuf

"C/qaasim wuxuu igu yidhi adigu Ra段isal-wasaare noqo aniguna Madaxweyne..." C/laahi Yuusuf

Wadahadallo qarsoodi ah iyo xidhiidh dhexmaray hoggaamiyaha kooxda Carta C/qaasim Salaad Xasan iyo C/laahi Yuusuf oo ah hoggaamiyaha Majeerteeniya ayaa fashilmay, sidaa waxa shalay boggiisa hore ku qoray wargeyska Haatuf Al-Carabi oo soo xiganayay jariirada (Al-Khaliij) ee ka soo baxda dalka Imaaraadka Carabta, heshiiskaas oo ku saabsanaa sida loo qaybsanayo awooda maamulka.

Sida ay sheegeen warar kale oo ka imanayay magaalada Eldoret ee Nairobi oo uu weli ka socdo shirka dib u heshiisiinta ee Somalidu sida uu warku sheegay C/laahi Yuusuf waxa fashiliyay sarkaal ka tirsan maamulkiisa oo tegay shirka Eldoret. 

Iyadoo uu C/qaasim Salaad warqad arrintaa ka hadlaysa oo u ugu talogaly inuu shirka dib u heshiisiinta la tago si uu fadhiyada Somalida u soo geliyo, laakiin C/laahi Yuusuf markii ay isku arkeen C/qaasim wareegyadii hore ee shirka wuxuu beddelay markii uu arkay inuu fashilmayo ninkii hore shirka u hoggaaminayay.

Sida ay sheegtay Al-Khaliij, C/qaasim wuxuu ku tilmaamay C/laahi Yuusuf inuu yahay ka dhibbaatada dagaalka ka wada ee qaybiyay dadka reer Puntland inuu yahay, isagoo sheegay inaany yeelayn inuu Muqdisho tago C/laahi Yuusuf, wuxuuna sheegay inay isku dan iyo maslaxad yihiin dagaal oogayaasha hoggaaminaya dagaalka Muqdisho oo uu ku tilmaamay Xuseen Caydiid iyo Caato.

Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya inuu C/qaasim markii uu arkay Ra段isal-wasaarihiisa Xasan Abshir uu sameeyay xidhiidhka qarsoon ee u bilaabmay isaga iyo C/laahi Yuusuf, markii ugu horraysay bishii November ee sannadkii hore, kadib markii ay si qarsoodi ah isugu arkeen magaalada Eldoret, sida ay sheegeen warar xog-ogaal ah C/qaasim wuxuu diiday inay C/laahi Yuusuf noqdo Ra段isal Wasaare oo uu beddelo Xasan Abshir.

Top


IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid Guraase

Xulashada Asaxaabtii Nebiga (S.C.W): Abu Cubayda Binu Al-Jaraax

"Umad Kastaa Waxay Leedahay Amiir, Umadan Amiirkeedu Waa Abu Cubayda"
Xadiisu Shariif


Wuxuu lahaa weji furan oo qurxoon, joog iyo jamaal loo dhammeystiray. Ma uuna lahayn hilib sidaa u sii weyn, dherer iyo fudeyd xagga jidhka ah ayaa intaas u sii dheerayd. Way ku il-qabowsanaysay isha eegaysa xaggiisa, wehel iyo xasilooni ayuu ka helayay qofka agtiisa jooga.

Dhinaca kale, waxaa kaloo intaas u sii dheerayd, isagoo ku tilmaanaa jilicsanaan uu u hayo walaalihiisa islaamka iyo xishood weyn. Hase ahaatee, hadduu arrinku dhinaca kale isu beddelo wuxuu noqonayay qof la tamaasha duruufta markaas uu ku jiro. Saxaabiga aan sidaas u tilmaanay waa saxaabigii lagu ammaanay dhowrista ammaanada, loona bixiyay amiinka Ummadda Nebi Muxammad (scw), waa saxaabigii isagoo dunida saaran loogu bishaareeyay inuu geli doono Jannada, waa saxaabiga lagu magacaabo Caamir Binu Cabdillaahi Binu Al-Jarraax, Ilaah ha ka raalli noqdee, kana dhashay qureysh, naanaystiisuna ay tahay Abuu Cubeyda.

Muxuu Cabdullaahi Binu Cumar ka yidhi Abuu Cubeyda
Cabdullaahi Binu Cumar Ilaah ha raalli noqdee ayaa isagoo sifeenaya oo tilmaamaya Abuu Cubeyda wuxuu yidhi "saddex qof oo ka soo jeeda qabiilka qureysh waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban xagga akhlaaqda, xagga xishoodkana ugu sugnaan badan, haddey kuu sheekeeyaan lagama yaabo inay been kuu sheegaan, haddaad u sheekeesana kuma beensadaan, waxayna kala yihiin Abuubakar Assiddiiq, Cusmaan Binu Caffaan iyo Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax."

Wuxuu Abuu Cubeyda Allaha ka raalli noqdee ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee soo gala diinta islaamka. Maalintii labaad ee uu Abuubakar soo islaamay ayuu Abuu Cubeyda isna soo islaamay, waxaana inuu soo islaamo sabab u ahaa isla Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee. Abuubakar wuxuu Abuu Cubeyda, Cabdiraxmaan Binu Cawf, Cusmaan Binu Madcuun iyo Al-Arqam Binu Al-Arqam u soo kexeeyay Rasuulka (scw), sidiina ayeeyna shahaadada towxiidka ugu hor qireen Rasuulka (scw), waxayna maalintaas wixii ka danbeeyay noqdeen saldhigyadii ugu horeeyay ee lagu taagay diintii islaamka ee sarreesay.

Imtixaanadii la mariyay Abuu Cubeyda
Allaha ka raalli noqdee wuxuu Abuu Cubeyda billowgii diinta islaamka la kulmay tijaabooyinkii cuslaa ee qadhaadhaa isagoo jooga magaallada Makka, wuxuuna imtixaankaas ku jiray laga soo billaabo biloowgeeda ilaa dhammaadka. Wuxuu Abuu Cubeyda la qaybsaday dhibaatooyinkii waaweynaa ee soo gaadhay muslimiinta, isagoo muujiyayna sugnaansho iyo adeysi weyn, wuxuuna si dhab ahaan u rumeeyay Eebbe (sw) iyo Rasuulkiisa (scw) mowqif kasta.

Hase ahaatee, imtixaanadii iyo tijaabooyinkii la mariyay Abuu Cubeyda maalintii dagaalka Badar wuxuu dhaafay dhammaan dadka wax xisaabiya xisaabtankooda, sidoo kale wuxuu dhaafay dadka wax mala-awaala mala-awaalkooda. Wuxuu Abuu Cubeyda maalintii Badar dhex jeexay safafkii gaallada sida qof aan ka cabsi qabin geeri ama dhimmasho, ilaa ay ka cabsadeen gaalladii. Waxaa xaggiisa soo eegi waayay fardoollaydii dagaalyahaniinta ahaa, iyagoo markasta ka fogaada dhinaca uu ka dagaalamayay Abuu Cubeyda. Hase ahaatee, waxaa jiray nin isagu u soo banbaxay dhinacii Abuu Cubeyda, isagoo meeshuu tagaba daba-gala. Wuxuu Abuu Cubeyda ahaa kii ka fogaada waddadii uu ka imaanayay ninkaas, isagoo ka fogaanaya la kulankiisa iyo inuu ku yimaado dagaalka. 

Weerarkii uu waday ninkii ayaa sii ballaadhatay, Abuu Cubeyda dhinaciisana wuxuu badiyay fogaanshaha, ilaa markii danbe Abuu Cubeyda laga soo xidhay dhammaan waddooyinkii uu mari lahaa, isagoo ka hor istaagayna la dagaalankii cadoowgii Alle.

Ficilkiisa awgeed waxaa ku soo degtay aayad qur'aan Ah
Markii uu Abuu Cubeyda u adkeysan waayay arrintaas, ayaa wuxuu seeftiisa kula beegsaday ninkii xaggiisa soo aadayay weliba dhufasho daran oo laba ka-kala dhigtay madaxiisa, sidiina ayuu ninkii dhulka ugu dhacay isagoo dangiigan oo weliba dhintay. Haddaba, akhristoow ha isku sii wareerin inaad ogaatid qofkaas dhintay kuu yahay. Sow hore umaanan odhan, tijaabooyinkii qallafsanaa ee uu soo maray Abuu Cubeyda awgeed wuxuu dhaafay kuwii wax xisaabinayay xisaabtankooda, sidoo kale kuwa wax mala-awaala mala-awaalkooda. Waxaa dhici karta akhristow inaad aad ula yaabtid haddaad ogaatid in ninka la dilay uu yahay Cabdullaahi Binu Al-Jarraax oo ahaa Abuu Cubeyda aabihiis. Dhab ahaantii Abuu Cubeydah ma uuna dilin aabihiis, balse wuxuu dilay shirkigii iyo kufrigii ku dhex jiray aabihiis. Waxaa Abuu Cubeyda isaga sababtiis iyo arrinka aabihiis dartii ku soo degtay aayad qur誕an ah, waa aayadda ugu danbeysa ee ku jirta suuradda Al-Mujaaddala.

Wuxuu Alle (sw) ku yidhi aayaddaas: "Ma helaysid qolo rumeenaysa Alle iyo maalinta aakhiro, kuwaasoo jecel cid Alle iyo Rasuulkiisa khilaafay, haba noqdeen kuwaas aabayaashooda, ubadkooda, walaalahood ama qabiilkoodaba, kuwaas (aanan jeclayn kuwa khilaafay Ilaahay iyo Rasuulkiisa) wuxuu Alle laabtooda ku qoray iimaanka, wuxuuna ku xoojiyay ruux xaggiisa ka ahaatay, wuxuuna gelinayaa Jannooyin au durdurayaan xaggeeda hoose webiyaal iyagoo ku waarayana jannada dhexdeeda, Ilaah wuu ka raalli noqday iyaga, iyaguna way ka raalli noqdeen, kuwaas waa xisbiga Alle, xisbiga Alle-na waa kuwa guuleystay/liibaanay". [Waa Ayadda 22 ee Al-Mujaadalah]

Waa amiin isla markaana ku adag diintiisa
Inuu Abuu Cubeyda dilo aabihiis ayaana ahayn wax sidaas loola yaabo, maxaa yeelay waxay awoodda rumeyntiisa Eebbe (sw) gaadhay, iyo taageerada uu ku bixinayo diintiisa iyo weliba amaanadiisa ee ummadda Nebi Muxammad meel ay u hanqal-taagto nafaf fara badan marka laga eego Eebbe (sw) agtiisa. Waxaa sheekeeyay Muxammad Binu Jacfar, wuxuuna yidhi: "waxaa Rasuulka (scw) u soo wafdiyay wafdi koox kiristaan ah, waxay ku yidhaahdeen: Yaa Abal-qaasim (mid ka mid ah naanaysta Nebiga s.c.w ee aan habboonayn inuu qof kale waxaad noo soo dirtaa nin ka mid ah asxaabtaada oo aad raalli nooga tahay, si uu noo kala garsooro dhexdayada arrimo la xidhiidha hanti aan isku qabanay awgeed, haddaad tihiin jamaacada muslimiintana waxaad tihiin kuwo aan xagayaga laga raalli yahay".

Rasuulka (scw) wuxuu ku yidhi "ii imaada galabta, waxaan idinku darayaa nin qawi ah ahna amiin". Cumar Binu Khadiib ayaa markuu maqlay hadalkaas wuxuu yidhi: waxaan waqti horey sii tagay salaaddii duhurka, mana jeclaanin madaxtinimo maalintaas aan ka ahayn jaceylka aan u qabay inaan noqdo ninka leh tilmaantaas iyo sifadaas uu sheegay Nebiga (scw). Markii uu na tujiyay Rasuulka (scw) salaaddii duhurka, wuxuu billaabay inuu eeg-eego xagga midigtiisa iyo bidixdiisa, annigana waxaan billaabay inaan kor ahaan u qooraansado, bal si uu ii arko Rasuulku (scw), sidii ayuu u eeg-eegayay Rasuulka (scw) asxaabta dhexdooda ilaa uu markii danbe ka arkay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax, kadibna wuu u yeedhay, wuxuuna ku yidhi: "waxaad raacdaa iyaga oo si xaq ah u kala xukun dhexdooda waxay isku khilaafeen". Waxaan naftayda ku idhi "waxaa la tagay sifadii aan rabay Abuu Cubeyda".

Sifooyin wanaagsan ayuu kulansaday
Haddaba, Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax ma ahayn oo keliya amiin, balse wuxuu amaanada ku darsaday quwad iyo ku adkeysi daran dhinaca diinta, taasina waxaan ku arki karnaa wax ka badan hal jeer. Mar waxay ahayd markii uu Rasuulka (scw) diray koox ka mid ah asxaabta si ay uga hortagaan safar ay lahayd qureysh, wuxuuna Rasuulka (scw) kooxdaasi amiir ama madax uga dhigay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Allaha ka raalli noqdee, wuxuuna sahay ahaan u sii siiyay qarbad (maqaarka neefka adhiga, wax baana lagu radin jiray waagii hore) ay ku jiraan timir, maxaa yeelay ma uuna u awoodin waxaan ka ahayn intaas. Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax wuxuu raggii la socday siinayay maalin kasta mid kasta oo saxaabada ka mid ah xabbad timir ah, markaasuu qof weliba muudsanayay xabbaddii timirta ahayd, sida uu ilmaha yariba uu u nuugo naaska hooyadii. Sidaas ayuu qof kasta sameenayay maalin kasta, isagoo xabbadaas timirta ku cabbi jiray biyo, wayna ku filnaan jirtay maalintaas, iyadoo aan sidaas ka fahmi karno halka ay gaadhsiisan tahay rafaadka iyo dhibaatada ka soo gaadhay dagaalkaas, waxaa kaloo la sheegaa inay xittaa saxaabadii markii danbe ay dani ku qasbtay inay cunaan caleemaha geedaha, gaajo awgeed.

Sababta ay uga dhaceen foolashiisii hoose
Markii la soo gaadhay dagaalkii maalintii Uxud, markii la jebiyay ciidamadii muslimiinta, mushrikiintiina ay billaabeen inay dhawaaqaan iyagoo leh "na tusaya Muxammad.., na tusaya Muxammad". Waqtigaas iyada ah, wuxuu Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Ilaah ha ka raalli noqdee ka mid ahaa tobankii isku soo gadaamay Rasuulka (scw) si ay uga difaacaan warmihii ay soo tuurayeen mushrikiinta. Markii ay dhammaatay dagaalkii Uxud, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa kii la jabiyay dhooshiisa, sidoo kale waxaa la dakhray dhafoorkiisa, koodhadhkiisana waxaa ka gashay labo birood oo ka mid ah miqhfarkii (koofiyadaha madaxa iyo wejiga qariya ee dagaalka waqtigaas la gashan jiray). Waa dhaawac halis ah lehna xanuun badan. Waxaa xaggii Rasuulka (scw) u soo kacay Abuubakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee, isagoo doonaya inuu ka soo siibo birihii Rasuulka ka galay kulleetagiisa.. Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax ayaa ku yidhi Abuubakar "Ilaah ayaan kugu dhaarinayaaye inaad ii dhaafto ka soo bixinta anniga", sidiina ayuu abuubakar ugu dhaafay.

Abuu Cubeyda wuxuu ka cabsaday haddii uu ku soo siibo birihii gacantiisa, inuu xanuujiyo Suubbanaha Rasuulka (scw), sidaa darteed wuxuu birihii ugu horeeyay midkood ku qaniinay foolashiisii afarta ahaa weliba qaniinyo iyo qabasho daran oo sugan, sidiina ayuu birtii ku soo siibay, inkastoo ay dhacday foolkiisii hoose. Haddana markale ayuu foolkiisii kale ee hoose ku qaniinay birtii kale, kadibna wuu soo siibay, waxaa hadana soo dhacday foolkii kale ee hoose. Abuubakar Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yidhi "wuxuu Abuu Cubeyda ahaa afloowihii ugu fiicnaa dadka", maxaa yeelay waxay ka dhaceen isagoo ka siibaya biirihii ku jiray Rasuulka (scw).

Dhammaan dagaalladii jihaadka oo idil wuu ka qayb galay
Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax wuxuu kala qayb galay Rasuulka (scw) dhammaad dagaalladii dhacay laga soo billaabo maalintii uu soo islaamay ilaa uu ka geeriyooday, waana sharaf aad u weyn oo uu dheer yahay qaar ka mid ah asxaabta. Maalintii loogu magac daray "SAQIIFA" ee ahayd maalintii madaxtinimada ama khilaafada loo dooranayay Abuubakar wuxuu Cumar Binu Khadaab Ilaah ka raalli noqdee ku yidhi Abuu Cubeyda "fidi gacantaada si aan kuu doorto, maxaa yeelay waxaan maqlay Rasuulka (scw) oo leh Ummad kasta waxay leedahay amiin, adigana waxaad tahay ummaddan amiinkeeda". Abuu Cubeyda wuxuu ku yidhi Cumar Binu Khadaab "ma ihi ruux ka hormaraya nin uu amray Rasuulka (scw) inuu salaadda na tukiyo ilaa uu Nebiga ka dhintay".

Intaa kadib waxaa baycada lala galay oo la doortay Abuubakar Assiddiiq. Abuu cubeyda wuxuu Abuubakar u ahaa mid ku taageera kheyrka iyo xaqa. Sidaas ayeyna agtooda qiimo ugu lahayn madaxtinimada iyo xukunka dadkii suubbanaa ee salafka, halka aan maanta qaar ka mid ah muslimiinta ay waxay awoodaan oo idil ugu hagar baxayaan sidii ay u heli lahaayeen kursi, ama ay u noqon lahaayeen madaxweyne iwm. Maamulladii khilaafada Abuubakar iyo Cumar wuxuu Abuu Cubeyda siiyay aqbalaadda iyo daacada, isagoo aan haba yaraatee aan ku caasin ama garab marin amarkooda marka laga reebo hal mar. Haddaba, maxay ahayd halkaas mar ee uu Abuu Cubeyda aanu aqbalin taladii uu u soo jeediyay khaliifka ama amiirka muslimiinta.

Waxay dhacday, markii uu Abuu Cubeyda Binu al-Jarraax ku sugnaa carriga Shaam, isagoo markaas ku hoggaaminayay ciidanka muslimiinta guul daba socota guul kale jeer uu gacantiisa uu Eebbe (scw) ku furo dhammaan magaalooyinka Shaam, isagoo gaadhay xagga webiga barri ee Furaat (Ciraaq), sida kale xagga aasiyada yar-na waqooyigeeda (Turkiya).

Markay halkaas mareyso, waxaa gobolka Shaam si lama filaan ah ka dillaacay cudurka halista ah ee daacuunka, cudurkan oo ayna hore ugu arag dadka. Cudurkii wuxuu si ba'an u haleelay oo u laayay dadkii degganaa magaalooyinkaas. Cumar Binu Khadaab ayaa markuu maqlay inuu cudurka daacuunka ka dillaacay gobolka Shaam, ayna ku sugnaayeen ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax Abuu Cubeyda u diray dhambaal uu ku leeyahay Abuu Cubeyda "waxaan kaaga soo baahday dan aan adiga kaaga maarmi waayay, ee haddii uu ku soo gaadho dhambaalkaygan xilli habeen ah waxaan kugu adkeenayaa in aan waaberiga kuu baryin aad xaggeyga u soo safartid. Sidoo kale, haddii aad heshid dhambaalakayga maalin dharaar ah, waxaan kugu adkeenayaa inaadan galabeysan ilaa aad xaggeyga u soo safartid.

Abuu Cubeyda Binu Al-Jarraax markii uu arkay dhambaalkii Cumar, wuxuu yidhi "waan ogaaday danta uu iga doonayo amiiral-mu'miniinka, wuxuu doonayaa inuu baaqi yeelo qof aan dunidan ku baaqi noqonaynin, dabadeedna wuxuu u diray qoraalkan uu ku leeyahay "amiiral mu'miniinow waan gartay dantii aad iga lahayd, anniguna waxaan ku dhex suganahay ciidanka muslimiinta, mana doonayo inaan naftayda ka badbaadiyo waxa soo gaadhayo ciidanka muslimiinta, oo dooni maayo inaan ka dhex baxo ciidanka ilaa uu Eebbe (sw) ka xukumo arrinkayga iyo kan muslimiinta. Sidaa darteed hadduu ku soo gaadho qoraalkayga waxaan kaa codsanayaa inaad dhaartaadii aad iga xalaalaysid, isla markaana aad ii fasaxdid inaan la joogo ciidamada".

Cudurkii daacuunka ayuu u dhintay
Markii uu akhriyay Cumar Binu Khadaab dhambaalkii Abuu Cubeyda waxaa ka soo daadatay ilmo, isagoo ooyayna, asxaabtii ayaa iyagoo la yaabban waxa ka oohiyay amiiral-mu'miniinka Cumar weydiiyay su'aal, waxayna ku yidhaahdeen "amiiral-mu'miniinow ma waxaa dhintay Abuu Cubeyda?". Cumar ayaa ku yidhi "maya, hase ahaatee geeridii ayuu u dhow yahay". Dhab ahaantii malahaas Cumar way dhab noqotay, oo wax yar kadib waxaa Abuu Cubeyda ku dhacay cudurkii halista ahaa ee daacuunka, sidiina ayuu u dhintay Abuu Cubeyda Allaha u naxariistee.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Geediga Halkaad Ku Furtaan Ummaddu Way Sugaysaa

Mujtamaca reer Berbera waxay ayaamahan aad u danaynayaan hogaanka ku dangeegsan doona kursiga hoyga tuurta leh oo wakhtigan aad loo qurxiyay dhismihiisa iyo agabkiisaba kaliyana u baahan masuul maskax cusub ay dadka gobolka ku noolna maamuus u dhex leh.

Bulshada magaaladu waxay taariikh dheer oo caanna ku tahay arrimaha ganacsiga dadkuna waxay leeyihiin nasiibka maamul looguma darin. Waxaan halkan aad u jeclaaday in aan odayaashii la doortay waxyar oo waano ah u soo bandhigo waxay tahay sida la wada ogyahay golaha deegaanku kuma guulaysan soo bandhigida duqa magaalada waxaana bulshada dhex maaxaya mowjado kaambayn oo kursiga la kala riixanayo, tusaalahaygu waa haddaan idinku is qadirin dadkuna waxba idinku fali maayo wax qarsoonina ma jirro. Nin baa waar waa innagiiye yeynaan kala boobin.

Haddaba waxaa muhiim ah duqayda la xulay in si qoto fog wax u fiiriyaan xilka loo igmadayna, gartaan iyo hawsha laga dhawrayo halkay iyagu isku mashquuliyeen.

Sidaana waxaa ku lumaaya masuuliyadii ummadda oo marin habaw ku dhacayaa. Wakhtinna ma jirro, isxinintana waxaa ka wacan isu tanaasul arrimuhuna ku toosaan musharaxiintan xamaysan ee uu madax maray muxubada ku fadhiisiga kursiga duqa. Ha jeleecayn hana ka eegayaan, dhagahanna u taagayaan sida ay wax yidhaahdaan ogow ka tagin wax rag k ahdaxeeyana taladooda ma hello, waxaan lagu hirdamayaana waa amaanno culus oo aan dhayalsi lahayn, una baahan in maatada iyo danyarta loogu adeego, ee maaha meel loo shaqo doonto. Amaanaduna sideedaba waa qaali aadna u wayn qofkii garan waayana ma aha wax qof 

Ku dheereeyn ee waliba olole u gallaana waa la yaqaan. Badanaa in badan oo maanta indhahooda iyo dhagahoodu aanay maqli karin madaxnimo mooyee berri aad iyo aad isku qoomamayn.

Haddaba waxaan odayaasha mar labaad ku adkaynayaa waar wax ka tagin oo waliba wuxuu leeyahay bixin oon walaalkii wax u hibayn karin, madaxnimada uu doonayaana waxba ku wadi maayo ee wuxuu u xusul duubanyahay dantiisa gaarka ah, mujtamacana yaan la lu暖oyn.

Waxan oo nacayb ah iscadaadin ah, dacaayad ah iyo ka waxba laguma dhisi karo umadna laguma hogaamin karro caddifaadda intaa leeg, aan hadal sugi karin reer Berbera wax ba uga soo noqday waxaa loo baahanyahay waayeel biyo ma daadshe, ah miisaan maskaxeed leh, degan oday, ah, waxgaradna ah oo fiirsasho badan, dhaqan yaqaan ah, dhexmara oo ogaada waxay danyartu ku nooshahay gabal ugu dhacay waana ugu baryay waa ka laydinka fadhigaa.

Waxaan maqaalkan tusaalaha ka faa段idaysanayaa oo yaan laynoo alalin aan tashano, waxaanan ku soo gunaanadayaa odayaashii la doortoo dadku wuu idin dhawrayaa loona fadhiyaa geediga halkaad ku furtaan. Sida khayrku ku jirrona allah awooda lehi haynoo dooro aamiin.

D.M. Raage

Top


Laba Garoowe Ayaan U Dhaxaynaa

Sidaynu la wada socono laba iyo tobankii sanadood ee Somaliland madax-banaanideeda la soo noqotay gobolka Sool iyo deegaanada beesha Dhulbahante waxay ku wada joogeen been iyo khiyaali, waxaad moodaa in lixdii bilood ee ugu dambeeyay ay Somaliland dad ka wada koobani soo wada arkeen Laas-caanood, Buuhoodle iyo deegaamada beeshaba xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta, oo ah in ayna ka jirin maamulka Somaliland, marka laga reebo dhawr meelood oo lagu shaqaysto.

Balse socdaalkii madaxweynaha ka hor waxa la aaminsanaa in wax jiraan.

Hadaba waxay isweydiintu tahay muxuu maamulka Somaliland uga suurta gali waayay deegaamadaasi? Waxan shacab iyo dawladba u cadaynaynaa in aan muddadii ka dambaysay 1997 ay Sool u dhaxaysay laba maamul Garoowe oo midna Hargeysa joogo midna Garoowe fadhiyo. Oo waliba kan Hargeysa joogaa ka xanuun kululyahay ka Garoowe jooga.

Markaan sidaa leeyahay waxaan jecelahay inaan kala cadeeyo labada Maamul Garoowe, ka Garoowe joogaa waa mid Somaliland iyo madax banaanideedaba ka soo horjeeda, ka Hargeysa joogaanaa waa mid kuwaa u shaqaynaya oo caadaystay been waxaan gobolkaa iyo deegaamadaa ka jirin oo hanti badan iyo xilal badan ku bixiya. Kuwa xilalka qaataa waa beesha Dhulbahante kuwa lacagta qaataa waa beelaha Somaliland intubana waa masuuliyiin xilal sare ka haysa dawladda. Kuwa lacagta qaataa waxay yidhaahdaan Laas-caanood maamul baa ka jira ciidamaa ka jira, iyo xafiisyo wasaaraduhu leeyihiinbaa ka jira, kuwa xilalka qaatee aan anigu ku jiraana waxay bedeleen kuwa Garoowe tagay ee beesha ah, mana ogola inay kuraasidaa ay ka difaacdaan ragii ay bedeleen ee Garoowe ka soo weerara Somaliland iyo in cid beesha ahi inay halkan timaado, dawladuna sidaasay nagu jeceshahay in aanaan waxba qaban waxaanu doonana aanu helno xil, iyo dhaqaaleba na siiso.

Haddaba waxa laga galay marxalad adag, wakhti xasaasi ah, oo ilaa heer madaxweyne in cid walba deegaanadayadii soo aragto xaqiiqda jirta.

Si kastaba ha ahaatee waxa loo baahanyahay in runta la isku sheego oo beentii horena laga gudbo.

Waxaan kaga baxayaa nina dhuunuu kuu dhex joogaa, nin dhaqashuu kuugu dhabar jabay. Waxaan ku soo gabagabaynayaa haddii shacabka iyo dawladu naga qabtaan Maamulka C/laahi Yuusuf nagu qaadan maayo haddii aanu si dhab ah u hawl galno.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 77aad

Kacaankakayagu way isku eeg yihiin ka kale ee caalamiga ah.sidoo kale waxa u barnaamijkayagu yahay mid guud ahaaned.waxaanu waafaq san yahay bulsho weynta iyo shaqaalaha awoodooda ayu waafaq sanyahay.balse waxa u ka soo hor jeeda diinta,iyo shicibkayaga dareenkeeda guud ahaaned ee ay wadaagan, sida u caalamku ka yahay in aanu la soconaayi waxa ay u baahantahay in aanu ogaano dhibaatada aanu kala kulmi doono. Haddii aanu dhanka galbeedka raacno bariga ayaa isaguna nagu soo kacaaya.sidaas daraaded madaamo ay sidaasiba dhacay so in la iska fogooye ayaabay khasab tahay, haddii kaleyto waa in sadiiq(saaxib ) aanu ka dhiganaa si aanu u hanano wakhti nabadgalyo leh oo aanu karikarno in aanu kacaankayagana awoodiisa ku sii balaadhino in aanu abuurno.

Dhanka kalena waxa aanu fahanay in aanu dagaalku joogsi lahay ee u maalmo iyo saacado qudha un yara haka naayo oo kaliya.awoodayadii ciidanina isakadaa in ay u jilba dhigaan(iska celiyaan) ciidankii cadawga ahaaye somaali xitaa awood u may haysan ay isakaga celin karaayen ciidankii yaraa ee mooriyaanta(mucaaradkii sida Ertariya Ihaadigda iyo wixii soo raacayay).ciidankayaguna mudo badaan dalka mareykan ka madaamo aanu ka heli jirnay deeqda tabobarka milkatari nimo ee (Doctrine iyo technology) ,markaas wakhtigan yar ee aan noo fasaxayn isbada haddii anu sameyno colka inagu soo socda madaamo aanu fahanay inaanu iska celin karin xidhiidhkii aanu la lahayn dalka mareykanka maanu dooneyn inu xidhmo.sidee doontaba ha ahaate xitaa haddii anu mareykanka ka heli weyno caawimo halka hubka in aanu Lacag kaga soo iibsano ayaanu ku wada tashanay.

Siyaaba haas oo dhan waxaanu isnidhi xeelad maaha in aanu cadeyn in aanu galnay kaamkii socialism ka, barnaamij kayaguna waxa u ahaa Social democracy system. Marka la fasiro waxa u ahaa mid sugaya xuquuqda shaqaalaha.waxaanu u eexanayaa bulshada balaadhan.hase ahaate halganka guud ahaaned ee aanu ku jirno midba mid ka kale in u taageero oo u complementary gii u noqdo si u unoqdo maahe in aanu dhaxdayadau iska soo hor jeedsano oo aanu midba mid kaayaga kale u la loolantamo oo u yimaado dagaal macno daro ihi sidaas daraaded ayaanu u hakinay li shaan wakhti,balse xaga dibloomaasiyada dibada waxaanu isnidhi in u gacan wanaagsan ku yeesho ayaaba dhici karta markaas waxaanu la baxnay "Ethioipian socialism".inkasta aanu sida u magacu u dhigan yahay aanu u soo shaac bixinin balse hadan waxaanu nidhi democracy socialism system.

Xisbiyadii siyaasiyiinta ahayd ee aanu baaqa ugu yeedhnay markii aanu u sheegnay in aanu si wadajir ah ugu dagaal galno sidii aanu itoobiya isbadal uga imaan lahaa "jadwalkiinan, daahan aad isi saarten iska qaada" waxa ay u la jeeden aanu sameyno barnaamij qaran oo dimooqraadiyad ah. "barnaamijka qaran ee dimoqraadiyadu maaha mid ka duwan sida aad ku taagan tihiin iyo mawqifka aad sidatan.dhib u keeni karaayin majirto.waxa u (cover) gareynayaa maal qabeenada Qaranka ee sarsare iyo kuwa hos hooseba, beeraleyda iyo shaqaalaha.marba marka ka sii dan beysa (step by step) darajada shaqaalaha guud ayu faa段dadooda sii balaadhinaya oo waxa u u hor seedayaa in ay sameeyan xisbi muujinaya in ay shicibku cid walba ka koreyaan.wixii arintaas iyada ku saabsan marka aanu isbarbar dhigno kacaanadi caalamku ay soo maren iyo marka aanu taarikhda dayno iyo waliba marka aanu so qaadano halganada wadajir ka ah marka aanu soqaadano scientific socialism ka inla gu xad gudbaayi waa mid aad u adag.

Top


WAADIGA CIYAARAHA

Leeds oo oggolaatay in woodgate uu Newcastle u wareego

Jonathan Wood gate oo ah ciyaartoy Ingiriis ah oo difaaca uga ciyaara kooxda Leeds ayaa la sheegay in kooxdiisu ay aqbashay in ciyaartoygaasi uu u wareego dhinaca kooxda Newcastle.

Warkani wuxuu kaloo uu sheegay in naadiga Newcastle uu oggolaaday in Wood gate in uu wareego si uu naadigaasi lacag ugu helo dhibaato dhaqaale oo la soo deristay.

Idaacadda BBC-da ayaa sheegtay in heshiiska ay labadaas kooxood kula kala wareegayaan Wood gate u ka bilaabmayo 9 milyan oo gini ilaa 11 milyan oo gini.

Labada naadi ee Newcastle iyo Leeds midna si rasmiya umuu caddayn in heshiis ay kula kala wareegayaan Jonathan Wood gate, waxaase arrintaa cadeeyay in ay oggolaatay Newcastle wakiilka Jonathan maalintii shalay.

Leeds waxay ka heshay 3 milyan oo gini markii ay oggolaatay heshiiskii uu Robbie Fowler ugu wareegay kooxda Manchester City lacagtaasi oo ahayd qaybtii hore e Lacagtii heshiiskaa, laakiin waxaa jirta dhibaato dhaqaale oo haysata kooxda Leeds oo aan intaas ay ka heshay heshiiskii Robbie Fowler aanay ku filayn.

Wood gate khamiistii ayaa ugu dambaysay layligii ciyaareed ee Leeds, laakiin markii uu ka tegayay halkaa wuxuu Wood gate ka gaabsadasy in uu waraysi siiyo weriyeyaal halkaa ku sugayay.

Guddiga fulinta ee Leeds ayaa shalay ka wadahadlayay heshiiska Wood gate, guddigaas oo ay xubno ka yihiin guddoomiyaha naadigass Peter Ridsdale iyo guddoomiye ku xigeenka Allan Leighton, waxaanan filayaa in Wood gate oo heshiiskiisa la oggolaadaa ay dejin doonto xaaladda Maamulaha naadiga Leeds, Terry Venables.

Maamulaha Newcastle ayaa laga soo xigtay in uu yidhi; "Waanu kaash-garaynay Lacagtii aanu kula soo wareegi lahayn Wood-gate, waxaanay gacanta ugu jirtaa Leeds. Waxaanu doonaynaa Wood-gate in aanu ku xoojino difaaca kooxdayada, waxaanu rajaynaynaa inaan ka qaybgalno ciyaaraha Yurub xilliga soo socda, sidaa daraadeed waxaanu u baahanahay ciyaartoy tayo leh Lacagtii aanu kula soo wareegi lahayn Wood-gate, waxay gacanta ugu jirtaa Leeds. 

Waxaanu doonaynaa Wood-gate in aanu ku xoojino difaaca kooxdayada, waxaanu rajaynaynaa inaan ka qaybgalno ciyaaraha Yurub xilliga soo socda, sidaa daraadeed waxaanu u baahanahay ciyaartoy tayo leh oo kasoo baxa ciyaarahaas, waxaanu ka mid nahay naadiyada tirada yar ee haysta Lacag, ciddii Lacag haysata ayaana leh awooda, ma ogi ilaa hadda in ay iska rogi doonaan heshiiskaa iyo inkale.

Top


Real mallorca oo 4-0 kaga adkaatay real Madrid

Madrid (REUTERS) - Real Mallorca ayaa u sii gudubtay ciyaaraha kama-dambaysta ah (semi-final) ee koobka (KINGS CUP), Spain kadib markii ay 4-0 kaga adkaaty kooxda Real Madrid.

Ciyaartan oo ay aad ugu gacan-saraysay kooxda Real Mallorca waxay qaybtii hore ku dhammaatay Saddex gool oo ay leedahay kooxda Mallorca iyo R. Madrid oo aan wax goolal ah dhalin, saddexda gool ee R. Mallorca oo kahore uu dhaliyay Fernando Nino, waxaa isna labada gool ee kale dhaliyay weeraryahanka Samuel Eto弛 ee Real Mallorca.

Wax weerar-celin ah oo natiijo leh may samayn ciyaartaa kooxda Real Madrid, waxaana goolka afraad u dhaliyay qaybtii labaad ee ciyaartaa R. Mallorca Walter Pandiani, halkaas oo ay guushu ku raacday 4-0, sidaasna ay Real Mallorca oo ka soo jeeda jasiiradda Balearic ee Spain ay ugu gudubtay semi-finalka ciyaaraha tartanka Kings-Cup ee Spain, waxaa kale oo ay kooxda Real Mallorca ka muujisay ciyaaro wanaagsan tartamada kooxaha Yurub.

Waxaa iyaguna is-reebreebka koobka Kings ee Spain toddobaadkan wada ciyaaray kooxaha Osasuna iyo Sevilla oo barbaro noqday is-aragii hore ee ciyaarta dhexmartay (1-1), laakiin waqti dheeraad ah oo loogu daray ayay Osasuna u dabbaal-degtay guusha ay ugu soo gudubtay semi-final-ka 4-3, iyana waxaa malintii shalay barbaro ku mintiday kooxda Recreativo Huelvo oo barbaraysay Atletico Madrid (0-0), iyada oo ciyaartii hore e dhexmartay ay Recreativo ku guulaysatay 1-0, taas oo natiijada barbaraha ah e ciyaartan dambe ay soo af-jarayso rajadii ay Atletico Madrid ka qabtay in ay hantido koobka King痴.

Kooxda Deportivo la Coruna oo iyadu hore u haysatay koobkan King痴 ee Spain aya ka badbaaday in ay sidaa Atletico Madrid ay koox yari reebto, kadib markii ay ciyaartii dhexmartay shalay 1-0 kaga guulaysatay kooxda ugu sarraysa kooxaha heerka labaad ee kubadda cagta ee Spain ee Murcia.

Top


Liverpool iyo Arsenal oo isbarbareeyay

Robert Pires, ayaa goolkii u horreeyay u dhaliyay Arsenal goolkaas oo ay kooxdaasi ku hoggaamisay ciyaartaas bilowgeeda, John Arne Riise ayaa isna u dhaliyay goolkii barbaraha Liverpool, mar labaad ayay haddana Arsenal ku hormartay ciyaartaa markii uu goolkii labaad u dhaliyay Dennis Bergkamp. Daboyaaqadii ciyaarta ayuu goolkii barbaraha ee Liverpool uu u dhaliyay Emile Heskey.

Kooxda Arsenal oo iyadu hoggaaminaysa horyaalka kooxaha heerka koowaad ee Ingiriiska ayaan iyadu u bogin barbaraha ay ciyaartaasi ku dhammaatay, sababtoo ah waxaa ay tebaysay Arsenal fursado wanaagsan oo ay ciyaartoygeedu lumiyeen ciyaartaas.

Kooxda Liverpool oo diir-diiranaan la soo gashay ciyaartaasi waxaa iyagana fursado goolal lagu dhalin kariyay oo uu meelo u dhow goolka Arsenal ka helay aan si fiican u dhammaystirin Michael Owen.

Kubbad ay soo dhiseen Bergkamp, Thierry Henry iyo Jerzy Dudek ayaa loo sallaxay si uu u dhaliyo Robert Pires oo isna ku hubsaday goolkii ugu horreeyay ee ciyaartaa ay dhalisay Arsenal.

Daqiiqaddii 51aad ee ciyaartaas qaybteedii dambe ayuu Riise gool u dhaliyay Liverpool, kaas oo ay kula sinmeen Arsenal, kadib markii John Arne Riise u meel waxoogaa u jirta goolka Arsenal uu laad xoogan la beegsaday goolka Arsenal, laadkaas oo aanu haweysan gool-walaha Arsenal, David Seaman.

Daqiiqaddii 62aad ayuu Dennis Bergkamp uu goolkii labad u dhaliyay Arsenal. Goolkii labaad ee barbaraha ayuu Heskey madaxa ku dhaliyay kubad dadban (Cross) oo uu soo laaday Salif Diao, ciyaartaas ayaa 2-2 barbaro ah ay ku noqdeen Arsenal iyo Liverpool.

Top


Jadwalka Qaybaha Koobka Dhallinyarada Aduunka

Maalintii Arbacadii ee toddobaadkan ayay FIFA soo saartay isku beegnaanta qaybo kooxeedka tartanka koobka adduunka ee dhalinyarada oo lagu qaban doono UAE (Imaaraadka Carabta) bisha march 25keeda, ilaa april 16keeda ee sannadkan.

Qaybahaas oo 24ka dal ee ka qaybgalayaa ay isugu qaybo (Group) noqon doonaan. 

Top