Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 259 February 2, 2003

Madaxweyne Rayaale Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Wasaaradaha Liibiya Ee Arrimaha Dibedda, Iskhaashiga, Beeraha, Xannaanada Xoolaha Iyo Shirkado

Calanka Somaliland Oo Laga Taagay Xarunta Calamada Adduunka Ee London

Qoraalkii Uu Safiirka Kenya Ee Somaliland U Diray Guddoomiyaha Shirka Eldoret, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Kenya Iyo Safaaradda Maraykanka

Xubno Kale Oo Ka Tirsan Kooxdii Booqatay Majeerteeniya oo Burco lagu Qabqabtay

Madaxda KULMIYE Oo Xukuumadda Iyo UDUB Si Ba’an Ug Eedeeyay Inay Hanaankii Xisbiyada U Majara-Habaabiyeen Hanaan Qabiil

Iskuulka Dhismihiisa La Horjoogsaday Iyo Cabashada Degaanka Masallaha

Muran Ka Taagan Dhul Laga Dhisi Lahaa Cusbitaal Weyn

Maayor Iyo Maayor Ku Xigeen Loo Doortay Berbera Iyo Xasan Gadhweyne Oo Ka Tanaasulay Musharaxnimadiisaa

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Haloo Hawlgalo Doorashooyinka Madaxtinimada Somaliland

Cadowga Somaliland Il Qudha Ha Loo Yeesho

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga (2)

Dayax Gacmeed Maraykanku Lahaa Oo Burburay

Maraykanka Oo Deg Degsanaya Weerarka Ciraaq

Iska Horimaadyo Ka dhacay Afqaanistaan

Ciraaq Oo Madax Ka Noqonaysa Guddiga Hubka ka dhigista

Dedaal Loogu Jiro Badbaadinta Heshiiskii Ivory Coast

Jacaylkii Qiimihiisa Qurba Joogu Dhantaalay (1)

WAADIGA CIYAARAHA

Alan Boksic oo ka fadhiisanaya ciyaaraha kubadda cagta


Madaxweyne Rayaale Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Wasaaradaha Liibiya Ee Arrimaha Dibedda, Iskhaashiga, Beeraha, Xannaanada Xoolaha Iyo Shirkado

Hargeysa (Haatuf): Wefti ka socda dalka Jamaahiiriyadda Liibiya oo isugu jira wasaaradaha Arrimaha Dibedda, ta Is-kaashiga Afrika u qaabilsan Liibiya, Beeraha iyo Xannaanada xoolaha iyo shirkadaha Liibiya u qaabilsan maal-gelinta Afrika ayuu Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu ku qaabilay xarunta Dawladda Somaliland, maalintii shalay, sidaas waxaa sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland oo uu ku suntan yahay af-hayeenka xafiiskaas Cabdi Idiris Ducaale, warkani wuxuu sheegay in weftiga Libiya ee booqashada ku jooga Somaliland uu hoggaaminayo Danjire Mactuuq Maxamed Al-Sayid.

Sida warkani sheegay imaatinka weftigani wuxuu ka dambeeyay warqad uu hore Madaxweynaha Somaliland ugu diray hoggaamiyaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi, warqaddaas oo loo sii mariyay Danjire Mactuuq.

Danjire Mactuuq oo hore booqasho ugu yimid Somaliland, waxa uu Madaxweynaha Somaliland hore ugu dhiibay qoraal sheegayay in haddii ay Liibiya danaynayso wax wada qabsiga Somaliland in ay fuliso balamadii madaxweynihii hore ay la galeen sida Mashruuca Tog-wajaale, warshedaha Daqiiqda iyo Baastada, Sibidhka caawimo dhinaca arrimaha xoolaha iyo wax-qabad kale oo ay ballan-qaadeen jawaab-celintii arrintaa ayuu sheegay Danjire Mactuuq in ay weftigani u yimaadeen si loo dhaqajioyo arrimihii hore loogu heshiiyay iyo wixii lagu dari karo.

Madaxweyne Dahir Rayaale oo weftiga ku soo dhoweeyay imaatinkooda ayaa u sheegay in Somaliland ay u baahan tahay aqoonsi iyo gacan laga siiyo dhismaha iyo horumarinta.

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu u sheegay shalay weftiga reer Liibiya in dawlada Somaliland ay muhiimadda siinayso mashaariicda intifaaca u dhali kara shacbiga reer Somaliland.

Xubnaha weftigaas ayuu mid walba ka warramay kaalintooda iskaashiga Somaliland iyo Liibiya, waxaanay shalay wadahadallo la yeesheen wasaaradda Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Ganacsiga, Arrimaha Dibedda iyo Rugta Ganacsiga Somaliland.

Top


Calanka Somaliland Oo Laga Taagay Xarunta Calamada Adduunka Ee London

London (W. Wararka) Todobaadkan ayaa lagu daray calanka oo uu ka muuqday calanka Somaliland xarunta calamada adduunka ee ku taala magaalada London ee boqortooyada UK.

Mar kaliya ayay todobaadkan indhaha caalamku qabteen calanka Somaliland oo ku biiray calamada adduunka.

Xaruntan ku taal London (World Flag Centre) waxay ku xidhantahay xarunta qaramada midoobay ee New York si toosana waxay inta badan amarka ay uga qaadataa hogaanksa sare ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa, (United Nations) oo iyadu go’aan ka gaadha kolba dalalka khariidada caalamka ku soo biira.

Warkani wuxuu intaa ku daray in xarumo badan oo adduunka u dooda wadamada loo yaqaan xoriyad doonka ama dawladaha aan la aqoonsan ay hadda carabka ku hayaan aqoonsiga Somaliland.

Top


Qoraalkii Uu Safiirka Kenya Ee Somaliland U Diray Guddoomiyaha Shirka Eldoret, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Kenya Iyo Safaaradda Maraykanka

Harg (Somaliland Times) :- Qoraal ku socday Bethwel A. Kiplaget, guddoomiyaha shirka kooxaha Somaliya uga socda Eldoret - Kenya, ayuu safiirka Kenya uga wakiilka ah Somaliland Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil) u diray toddobaadkii hore.

Qoraalkaas oo uu Ambassador Cawil ogaysiiyay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, una qaabilsan xidhiidhka caalamiga ah, Midowga Yurubb, iyo Safaaradda Maraykanka u fadhida dalka Kenya, xarunteeda Nairobi wuxuu u qornaa sidan:

"Inkasta oo aan kuu soo gudbiyay hambalyadaydii xilka laguu magacaabay markii aynu ku kulanay shirkii Koonfurta Suudaan ee Kenya, waxaan marlabaad kuugu hambalyaynayaa xilkaa laguu magacaabay, maadaama aad hadda bilaabayso hawsha aan qorshaha lahayn ee nabadda loogu raadinayo kooxaha koonfurta Somaliya dhexdooda, taas oo ah arrin Saddex iyo tobankii sannadood ee tegay nabadayntoodu mid xal loo waayay, waxaanan kuu soo gudbinayaa talooyin aan u arkay inay arrintaa ku habboon yihiin, waanigii dhowaan ku sheegay mawqifka cad ee ay taagan tahay Somaliland oo ah in arrinta lagu hayo shirka Eldoret in ay tahay mid u gaar ah koonfurta Somaliya, waxaan hadda kuugu celinayaa in mawqifka xukuumadda Somaliland iyo shacabka reer Somaliland oo ah sidan hoos ku qoran:

Qaranimada Somaliland waxa weeyi mid aan gor-gortan lahyn, Somaliland weligeed geli mayso wax isku xidha koonfurta Somaliya, kay doonaan ha ahaadaane koonfurta ama Somaliya, waxaanu se la jecel nahay in walaalahayo ay helaan nabad iyo barwaaqo iyo inay oggolaadaan maamul oo ay ku kalsoonaan karaan kooxahooda badan ee ay colaadu ka dhaxayso, oo ay maraan dariiqa nabadeed ee ay martay Somaliland iyo nidaamka maamul-dawladeed ee ay samaysatay Somaliland.

Sida aad warka ku hayso bishii hore Somaliland waxay ku guulaysatay in ay ka hirgasho doorashooyinkii D/Hoose, waxaanay qabanayaan doorashooyinkii madaxtooyada bisha May ee sannadkan iyo weliba kuwii Baarlamaanka, ma aha miyaa markaa xumo abuuris iyo ficil xun iyada oo dadka reer Somaliland lagu yidhaa ka soo qaybgala shirka dagaal-oogayaasha iyo hoggaamiyeyaasha kooxaha ilaa 12 sannadood kahor ilaa hadda dagaalamaya, waxaan ku kalsoonahay in ay hoggaanka fulinta ee shirkaa ay ku jiraan xubno aan oggolayn arrintaa.

Guddoomiye sababa ay xubno shirkaasi ugu qayblinayaan Somaliland miyaad fahamsan tahay? Sababtu waxa weeyi ma doonayaan nabad, markaa waxay raadinayaan waxay ku marmarsiiyoodaan, waxa qudha ee ay doonayaan waa inay joogaan Hotel Sirikwa oo ay wiiqaan dhaqaalaha Kenya iyo kan dalalka Caalamka, haddii ay nabad doonayaan waxay heshiisyo ku gaadhi karaan, waxay ku qaadatay Guurtida Somaliland lix bilood oo shir xidhiidh ah inay nabadda salka uga dhigaan oo ay doortaan madaxweynihii dalka hoggaamin lahaa.

Marka la eego wufuudda shirka Eldoret waxaa loo qaybin karaa laba qaybod, labada qayboodba waxay ka siman yihiin iyagoo cidna metelin qaybta hore waa dad ka qaxay Somaliya sannadkii 1991, guud ahaana waa dad aan wax war ah ka hayn Somaliya oo ka xog la’ xaaladda ka jirta.

Qaybta labaad ee wufuuda shirka Eldoret ee safka hore waa kuwo galay dembiyo lid ku ah xuquuqda aadamaha oo hore u sameeyay tusaale ahaan:

  1. Kornayl C/laahi Yuusuf oo toddobaad kahor dhiig ku daadinayay meelo ka mid ah degaankiisa, sida Qardho, laba bilood kahorna wuxuu khaarajiyay Suldaan, waxaanay dadka uu laaya u badan yihiin saraakiil maamul, shicib iyo duqayda hoggaamiyeyaasha dhaqan, ilaa 1978 waxaan dil iyo dhibaato ahayn umuu keenin dadkiisa.

  2. Janaraal Maxamed Siciid Morgan, waa Janankii amray in diyaaraduhu ay duqeeyaan Hargeisa, taas oo hay’addaha xuquuqda aadamuhu qiyaaseen in duqayntii diyaaraduhu ay ku dileen Hargeisa 50,000-10,000 oo qof.

  3. Xasan Abshir oo ah Ra’iisal wasaaraha kooxda Carta, horena u ahaan jiray mayorka Muqdisho wuxuu ahaa ninkii Ansixiyay 11 nin oo hoggaamiyeyaal diineed ah oo lagu laayay Muqdisho.

Gebogebadii, waxay doonto ha ahaato, dedaalka aad adiga iyo bulshada kale ee caalamku aad geliseen in shirkaasi uu midho-dhalo sidii shirarkii hore oo kale, waxaa ka soo bixi doonta guul-darro ilaa laga saaro mustaqbalka shirarka nabadaynta Somaliya xubnaha hore u galay dembiyada lidka ku ah xuquuqda aadamaha.

Top


Xubno Kale Oo Ka Tirsan Kooxdii Booqatay Majeerteeniya oo Burco lagu Qabqabtay

Burco (Haatuf): Saddex xubnood oo ka tirsanaa koox reer Somaliland ah oo xidhiidh sharciga Somaliland ka soo horjeeda la yeeshay maamulka Majeerteeniya ayuu xalay ciidanka nabadgelyada ee Somaliland ku qabqabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee Somaliland.

Warkan oo uu ka soo diray Burco Axmed Aadan Yuusuf oo ka tirsan Haatuf, wuxuu intaa ku daray in xubnahaa oo ka mid ahaa kooxdii ninka hore jeelka loogu taxaabay ee Muuse Madoobe in hawlgalkii lagu qabqabtay shalay ay iska kaashadeen odayaasha beesha bariga Burco iyo ciidanka nabadgelyadu, iyada oo 3da xubnood ee la qabtay ay kala yihiin: Muuse Cabdi Baqar, Maxamed Cumar Faarax, iyo Jaamac Diiriye.

Sida uu ku soo warramay weriye Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf uga soo warrama gobolka Togdheer wax dhibaato ahi cidna kamay soo gaadhin hawlgalkii uu ciidanku ku qabqabtay saddexdaa nin.

Sida uu hore shir-jaraa’id ugu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan waxaa qorshaysan in sharciga la mariyo 14 xubnood oo ka qaybqaatay xidhiidhka lala sameeyay maamulka Majeerteeniya, afar xubnood oo hadda gacanta lagu dhigay marka laga reebo wuxuu warkani sheegay in ciidamada nabadgelyadu ay ku hawlan yihiin soo qabqabashada xubnihii kale.

Top


Wasiir ku xigeenka A/Gudaha oo ka warramay Khilaafka ka taagan Golayaasha Degaanka

Hargeysa (Haatuf): Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Axmed Jaambiir Kaahin, ayaa waraysi uu shalay siiyay weriyeyaal ka socda Wargeyska Haatuf kaga warramay muranka iyo khilaaf kala qaybiyay golihii deegaanka ee Burco iyo sababta keentay. Waraysigii oo ka dhacay xafiiska Wasiir ku xigeenku wuxuu ahaa sidan:

S: Waxa jiray khilaaf u dhaxeeyay waqtigii la doonayay golaha deegaanka ee Burco mayor adiguna waad joogtay, bal arrintaa ka warran?

J: Wax khilaaf ah oo dhacay ma jirin, golaha deegaanku waa 21 xubnood, waxaan ka soo qaybgelin 7 xubnood, sharciguna wuxuu dhigayaa inuu kooramku yahay kala badh iyo hal qof oo fadhigu ku ansaxayo, waxaana fadhiyay kala badh iyo laba qof, sidaa ayaan lagu doortay maayorka iyo ku xigeenka.

S: Waa maxay sababta ay u maqnaadeen, mase baadheen?

J: Cid baanu u diray noomana iman, laakiin sababtay u maqnaadeen ma garanayno.

S: Xubnaha maqnaaday waxa ku jiray ninkii u sharraxnaa jagada maayornimada ee ay tartamayeen ninka la doortay, ma laga yaabaa inay kooxda maqnaatay taageerayaashiisa ahaayeen.

J: Ninka musharaxa ahi goobtuu iman lahaa, markaasaa la garan lahaa, laakiin anaga mid uun baa noo yimi.

S: Golayaasha degaanku waxay ka soo baxeen qaab xisbi, laakiin waxaa lagu dhaliilayaa inay ka leexdeen oo ay qaab-beeleed isu bahaysteen, taasi ma ka muuqatay meesha?

J: Taasi shaqadayada maaha, laakiin golaha deegaanka ciddii ku soo baxda ayaa wax dooranaysa, xisbiyo badana way ka soo baxeen waa laga yaabaa inuu nin xisbigiisu ka footeeyo, iyagaana xaq u leh inay wax doortaan.

S: Adigu waxaad ka mid ahayd mas’uuliyiintii magaalada Burco joogtay, marka ma arrintii oo aan dhamman ayaad ka timi, mise iyadoo wax dhiman yihiin ayaad ka timid?

J: Way iska dhammayd, laakiin intaan ka soo maqnaa ayaa 7dii xubnood Saddex ka mid ahi yimaadeen golaha oo la dhaariyay.\

S: Golayaashii deegaanka ee Hargeysa iyo Berbera weli lama dooran, waayo waxaana la sheegayaa inuu jiro khilaaf sabab u ah dib dhaca, taasna ka warran?

J: Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa xaq u leh inay cayinto maalmaha la dooranayo maayorada. Khilaafka jirana ilaa uu golaha yimaado, anagu markay miiska soo fadhiistaan ayaanu garan karnaa, laakiin khilaafka suuqa war uma hayno.

S: Dadkii ku soo baxay golayaashii Degaanka waxa lagu dhalleecaynayaa inay ka baydheen habkii xisbi ee dimuqraadiga aha ee lagu soo doortay, arrintaana waxa lagu eedaynayaa inay xukuumadda iyo UDUB wadaan oo ay u celiyeen qaab qabiil, taas ka warran?

J: Dawladdu axsaabta way u siman tahay inay cid raacdana maaha, xisbiyadan ku shaqo leh golaha deegaanku hadday ka baydhaan habkii.

S: Dadkeenu uma bisla nidaamka xisbiyada iyo habka dimuqraadiga markaa haddii ay xubnahaasi ka baydhaan habkii xisbi oo ay u adeegaan qaab beeleed siday noqonaysaa.

J: Ninka soo banbaxay isagay jirtaa qaabkuu wax ku doonayo, laakiin ma garanayno siduu wax u wato.

S: Wasaaraddiina Arrimaha Gudaha ayaa lagu eedaynayaa inay lug ku leedahay taa ka warran.

J: Wasaaradu iyadaa jecel in wax waliba deg-deg u dhaafaan, marka taa waxba kama jiraan.

Top


Madaxda KULMIYE Oo Xukuumadda Iyo UDUB Si Ba’an Ug Eedeeyay Inay Hanaankii Xisbiyada U Majara-Habaabiyeen Hanaan Qabiil

"Maayorka Iyo Mayor Xigeenka Boorama Waxay Isku Reer Yihiin Madaxweynaha Iyo Gabadhiisa" - Gudoomiye Xigeenka 2aad Ee KULMIYE


Hargeysa (Haatuf): Gudoomiye-kuxigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Marwo Siraad Cali Yuusuf ayaa si ba’an xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbigeeda UDUB ugu eedaysay inay farogelin xoog leh ku sameeyeen dhismayaashii golayaasha degaanka iyo weliba doorashadii maayarada iyo maayar-xigeenada degmooyinka dalka, laakiin marwo Siraad waxay si gaar ah uga hadashay degmooyinka gobolka Awdal oo ay ku tilmaantay dhismayaasha golayaasha degaanka iyo doorashadii madaxda degmooyinka inay farogelin xoog leh ku sameeyeen, iyadoo hogaanka sare ee dalka, gaar ahaan Madaxweyne Rayaale iyo madaxda wasaaradda daakhiliga inay awood ku meelmariyeen cidii ay doonayeen, sidaa darteedna ay dadka ka qaadeen xoriyaddii doorashada madaxdooda. Sidoo kale marwo Siraad waxay Madaxweyne Rayaale iyo marwadiisa, Huda Barkhad ku eedaysay inay maayarka iyo maayar-xigeenka Boorame ka dhigeen niman ay iyaga ehel dhow yihiin, waxayna marwo Siraad arimahaa kaga hadashay shir-jaraa’id oo ay xalay iyada (Siraad) iyo xoghaya guud ee KULMIYE Daa’uud Maxamed ku qabteen magaalada Hargeysa, iyaga oo guud ahaan xisbiga hogaanka xisbiga UDUB ku eedeeyey inay majara-habaabiyeen hanaankii xisbiyada, kuna bedelay hanaan qabyaaladeed.

Labadan masuul waxay dabeecadda caynkaas ah ku tilmaameen mid foolxun, isla markaana aanay ka dul-qaadan doonin."Dooorashadii waxay ahayd inaynu kaga baxno qaabka qabiilka oo uu dadku ku walaaloobo qaab axsaabeed, isla markaana lagu shaqeeyo siyaasadda xisbiga, laakiin waxa nasiib daro ah iyadoo ay arintaa caqabad ku hayaan UDUB iyo xukuumadda oo isku mid ah"ayuu yidhi xoghayaha guud ee KULMIYE.

Masuuliyiintani waxay afka ku dhufteen Madaxweyne-kuxigeenka oo hadda Berbera socdaal ku jooga, kaas oo ay ku tilmaameen inuu halkaa ku soo dhisayo ama maayar ka soo dhigayo qof ay xukuumad ahaan iyagu doonayaan, iyagaoo UDUB iyo xukuumadda ku eedeeyey inay ka masuul yihiin caqabadaha iyo buuqa ka taagan magaalooyinka qaarkood. Laakiin marwo Siraad waxay aad ugu dheeraatay golayaasha degmooyinka gobolka Awdal oo ay dhalasho ahaan ka soo jeeddo, waxayna tidhi, "waxa nasiib daro ah inay xukuumadda iyo madaxweynuhu dadkii kala qaybiyaan oo ay xisbiyada qaar ku yidhaahdaan waa reeer bari oo halkan waxba kuma laha, sidaana waxa dadka ku guubaabinayey masuuliyiinta dawladda oo u adeegaya xisbiga UDUB, arintaana iyadoo cajalad ah oo maqal iyo muuqaalba ah oo sidaa loo hadlayo ayaan idin tusi doonaa".

Marwo Siraad waxay ku dacwiday inaan degmada Boorame wax doorasho ahi ka dhicin, laakiin ay madaxda xukuumadda ee gobolka Awdal khasab ku magacaabeen maayarka iyo maayar-xigeenka, iyadoo badhasaabka si ba’an u eedaysay, taas oo ay sheegtay in iyadoo la adeegsanaya askar xubnaha golayaasha degaanka loogu hanjabay inay fadhiyada khasab ku yimaadaan, isla markaana ay khasab ku doortaan qofka ay xukuumadda iyo UDUB doonayaan.

"Madaxweynaha iyo gabadhiisa ayey labada nin ee Boorame (Mayarka iyo kuxigeenka) isku reer yihiin, waxaana nasiib daro inay xukuumaddu baal-marto habkii laga rabay axsaabta oo ay u celiyaan habkii beelaha ee la rabay in laga guuro, ninka maayarka Boorame laga dhigay waxay isku reer yihiin Madaxweynaha , ninka maayar-xigeenka Boorame laga dhigayna waxay ilmaabti yihiin gabadha Madaxweynaha (Marwo Huda), mana aha inuu madaxweynuhu dadka qolo-qolo u qaybiyo."

"Waxa jira meelo aanay UDUB kuraasba ku lahayn, hadana ay olole ayey ka wadaan"ayey intaa ku dartay marwo Siraad, iyadoo arimaha gobolka Awdal ee axsaabta la xidhiidha si ba’an ugu eedaysay badhasaabka gobolkaa.

Top


Iskuulka Dhismihiisa La Horjoogsaday Iyo Cabashada Degaanka Masallaha

Hargeysa (Haatuf): "Xaafadda Masalaha waxa ku nool inka badan 300 oo arday, laakiin aan wax iskuulo haysan"sidaa waxa yidhi gudoomiyaha xaafadda Masalaha ee duleedka madaarka Hargeysa.

Dadka ku dhaqan xaafadda Masalaha waxay si ba’an uga cawdeen iskuul la doonayey in laga dhiso xaafaddaa, laakiin dhismihiisa la horjoogsaday, iyadoo la sheegay inay bogcaddaa sheegteen dad gaar ahi, taasina ay keentay buuq iyo iska hor-imaad gacan ka hadal ku dhowaaday.

Kulan saxaafadeed ay hogaamiyayaasha xaafadaasi jimcihii doraad ku qabteen hudheel ku yaal xaafadooda ayey aad ugaga hadleen iskuulkaa, iyaga oo dalbaday in wax laga qabto dadka qabsaday dhismihii iskuulka, isla markaana waxay si ba’an farta ugu fiiqeen duruufta iskuulo la’aanta ee haysata.

"Ilaa 1978-kii waxaanu u halgamaynay sidii aanu iskuulo u heli lahayn, laakiin maanta markii aanu helay ayaa nalagu qabsaday, markaa waxaanu leenahay waa in dhul-boobka wax laga qabtaa"ayey yidhaahdeen, waxayna arintaa ku eedeeyeen maamulka dawladda hoose iyo weliba cidda dhulkaa sheegatay oo ay sheegeen inay qaarkood yihiin niman madax-dhaqameedyo ah.

"Caruurta xaafadda Masaluhu waxay doonayaan iskuulo iyo biyo, laakiin dantii guud waxa laga horaysiinayaa baloodh la boobo, ninkii jagada iskuulka bixiyeyna xabsiga ayaa loo taxaabay" sidaa waxa yidhi, Cabdi Aw-Maxamuud oo ka mid ah odayaasha xaafadda Masalaha. Sidoo kale waxa isna madashaa ka hadlay Maxamed Baaruud , wuxuuna yidhi "Waxa wax boobaya dad masuuliyiin ah, waxaanuna dawladda ka codsanaynaa inay arintaa wax ka qabtaan."

Sidaa ay sheegeen odayaasha xaafadda Malaha ninka bixiyey bogcadda la doonayey in laga dhiso iskuulka waxa magaciisa la yidhaahdaa Maxamed C/laahi Fadal, wuxuuna hadda ku xidhan yahay xabsiga dhexe, iyaga oo sheegay inay aad uga xun yihiin xadhigiisa.

Xaafadda Masalaha inkasta oo ay hadda ku noolyihiin dad badani, hadana malaha iskuulo, xarun caafimaad iyo goobo kale oo adeeg toona, waxayna dadka xaafadaasi aad uga cawdeen arintaa. Ta kale waxay dadka xaafadaasi aad uga digeen inay gaar ahi sheegtaan ama hungureeyaan dhulka iskuulka la siiyey, sida ay sheegeen odayaasha xaafadaasi hayad samafal ah ayaa doonaysay inay iskuul dhisto. 

Top


Muran Ka Taagan Dhul Laga Dhisi Lahaa Cusbitaal Weyn

Hargeysa (Haatuf) Dhul loogu talo galay in laga dhiso Cusbitaal la yidhaa Shifo Hospital ayuu muran ka dhashay ka dib markii laba qoys ku doodeen inay dhulkaasi leeyihiin markii la damcay in la bilaabo seeska cusbitaalkaas.

Dhulkan oo sida la sheegay ahaan jiray xaruntii tibaabada Beeraha oo hoos iman jiray wasaaradda beeraha, waxa inuu cusbitaalkan cusub ka dhiso loo siiyay Dr. Cali Maxamuud oo ku takhasusay qaliinka.

Dhulkan oo ay bixisay D/Hoose ee Hargeysa waxa ogolaansho looga helay Wasaaradda beeraha si cusbitaalkaas looga dhiso balse markii la jeexay seeskii cusbitaalkaas ayay soo baxeen laba qoys oo sheegay inay dhulkaasi leeyihiin sharcina u haystaan taasi oo sababtay keentay in la joojiyo dhismaha cusbitaalkaas.

Qalabkii loogu talo galay cusbitaalkaas ayaa 60% soo gaadhay dalka isagoo containaro ku jira, kuwaasoo haatan yaala barxada guriga Dr. Cali Maxamuud, iyo Araweelo Restaurant. Sida uu sheegay Dr. Cali qalabkaasi waxay halis u yihiin inay baaba’aan haddii ay qoraxda sii yaalaan, isagoo intaa ku daray in intii uu qalabkaas ku maqnaa meeshii la sii sheegteen laba qoys oo uu mid afhayeen u yahay C/Raxmaan Faarax Sugaal oo ah gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, iyagoo ku dooday sida uu Dr. Sheegay inay meeshaas lahaayeen ka hor intii aan laga dhigin beerta Tijaabada.

Waxa kale oo uu Diktoorku sheegay inuu arrintaa kala hadlay madaxweynaha oo u balan qaaday in wax laga qaban doono balse uu muddo sugayay, iyadoo ay arrintaa wax ka qabashadeeda ay soo fara galiyeen Gudoomiye ku xigeenka Wakiilada C/Qaadir jirde, Gudoomiye ku xigeenka Guurtida, Sh. Axmed Nuux, Ismaaciil Shaqale taliyihii hore ee ciidanka qaranka, Dr Axmed Xaashi, iyo Eng: Axmed Yuusuf Siciid iyagoo codsaday in arrintaa wax laga qabto. Laakiin arrintaa murankeedu wali wuu taaganyahay.

Dhinaca kale Sacad X. Cumar Maxamed oo ka mida dhinacyda isku haya dhulkaasi ayaa qoraal uu na soo gaadhsiiyay ku sheegay inuu yahay mid ka mida mulkiilayaasha beertaas isla markaana uu u haysto sharci dhamaystiran waxaanu intaa ku daray inay dhulkaa lahaayeen in ka badan 60 sanadood, waxa kale oo intaa ku daray in uu Diktoorku ku khaldamay dhulkooda oo aanay ahayn dhulkii la siiyay, oo uu doonayo dhul ka badan meesha uu sheegay in la siiyay, isagoo Sacad Sheegay in hadii uu Diktoorku doonayo dhul balaadhan uu iibsan karo, maadaama uu dhakhtarka meesha laga dhisaya yahay mid gaar ah. 

Isagoo ku eedeeyay Dr. Cali inuu dhulkaa damac ka galay, isagoo ku andacoonaya inay tahay dan guud balse taas waxa uu sheegay inaanay aqbalayn. 

Top


Maayor Iyo Maayor Ku Xigeen Loo Doortay Berbera Iyo Xasan Gadhweyne Oo Ka Tanaasulay Musharaxnimadiisaa

Berbera (Haatuf) Cabdalla Maxamed Carab ayaa loo doortay in uu noqdo duqa cusub ee magaalada Berbera maalintii shalay kulan ay isugu yimaadeen aqlibiyada xubnaha golaha deegaanka ee loo doortay degmada Berbera.

Waxa isagana isla kulankaas shalay loogu doortay jagada ku xigeenka duqa Berbera Ibraahim Dhagcarro. Wariye C/Raxmaan X. Daahir oo arrintan ka soo waramay ayaa sheegay in M/weyne ku xigeenka Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin uu goob joog ka ahaa codaynta iyo kala saarista (5) musharax oo dhamaantood ka tirsanaa xisbiga UDUB oo ku tartamayay jagada Maayarka Berbera, codaynta ka hor waxaa isagu warqad tanaasulaad ah u dhiibay M/weyne ku xigeenka Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadhweyne) oo ka mid ahaa musharaxiinta codayntii ayaa u bilaabantay xubnihii kale waxaana 8 cod ka helay 12 cod ee ka soo qaybgalay kulankaas Cabdalle Maxamed Carab.

Warku wuxuu intaa ku daray in isna loogu codeeyay jagada Maayar ku xigeenka Ibraahim Dhag Carro.

Xubnaha kale ee ka qayb galay tartankaas ee lagaga guulaystay waxay kala ahaayeen Cabdi Jaamac Ducaale (Musbaar), Cawil Cali Sugule iyo Sacad Daa’uud. Warkani ku daray in maanta ay kulan isugu iman doonaan dhamaan 21-ka xubnood oo ah golaha deegaanka ee degmada Berbera.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Waxaa Dhibbaato Nagu Haya Weriyeyaasha Banaadir U Dhashay Ee BBC-Da

Idaacadda BBC-du waa idaacad aad u ballaadhan oo ay ka baxaan 43 Af oo adduunka lagaga hadlo, waxaana ka baxa oo halkii sanno laga sii daayaa 60,000 oo barnaamij, in ka badan 2000 oo weriyana way ka shaqeeyaan.

Haddaba dadka Soomaaliyeed oo ah dad aad u xiiseeya BBC-da, maadaama oo uu Afkoodu ka mid yahay Afafka laga sii daayo BBC-da ilaa iyo Saddex jeer 24-kii saacadoodba, waxa weliba intaa sii dheer mawjadaha FM-ta, oo looga sameeyay magaalooyinka waaweyn e ay dadku ku badan yihiin.

Haddaba annagoo ah dhallinyaro aad u xiisaysa dhegaysiga BBC-da, si joogto ahna ula socona anagoo adeegsanayna Radio ama Internet, ayaa waxa mooraal-jabb weyn nagu haya erayo ay u adeegsadaan Somaliland weriyeyaasha BBC-da ee u dhashay Banaadir, ereyadaas oo ay ka mid tahay (Isku magacowday), kalmadaa ayaad modaa inay si gaar ah u xiiseeyaan Saddex weriye iyo Tifaftiraha guud ee laanta Af-somaliga, kuwaas oo kala ah:
Maxamed Maxamuud Cade
C/Raxmaan Maxamed Aaden (Toronto)
C/Laahi Xaaji
Iyo Yuusuf Garaad oo isagu ah tifaftiraha guud ee laanta Afka somaliga.

Weriyeyaashan ayaa inta badan soo saar barnaamijka, maadaam oo ay haystaan maamulka sare ee laanta, kuwaas oo maalinta ay Somaliland ku jirto barnaamijka an waxba ula hadhin. Si kastaba ha noqotee, Tifaftire Yuusuf Garad Cumar, ayaa isagu si hagar la’aan ah u buun-buuniya kooxda Carta, kooxdaas oo iyagu ku gudhay (Ramadan Hotel), oo isha uun ka eegta isbaarooyinka hadheeyay Muqdisho.

Tifaftiruhu wuxuu aaminsan yahay inuu Somaliland ka curyaamin karo xagga saxaafadda, laakiin wuxuu iska indho-tiraa dadka reer Somaliland ee ay qalbigooda ku fogaatay Somaliland-nimadu. Hadduu saxaafad cid wax ugu qabanayo kooxda Carta ayuu ugu qaban lahaa. Yuusuf Garaad waxaanu leenahay:
Haddaan dhabaq ahaa shalay,
Dhadhankiisa loo bogay,
Maantaba dhurdii mamay,
Dacar ma u dhadhamayaa?

Waxaanu murtidan adeegsanay anagoo ka jawaabayna dhinaca aad u janjedho iyo kasoo bixid la’aanta xilka laguu igmaday.

Hadalkayaga gebogebadiisu waxay tahay, Af xumo nabadna way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto ee naftaada Yuusufow daraasad ku samee.

  1. Xasan Cabdi Kaahin

  2. Cali Keyse Saryar

  3. Faysal Maxamed C/Laahi

  4. Faysal Yuusuf

Hargeisa, Somaliland

Top


Haloo Hawlgalo Doorashooyinka Madaxtinimada Somaliland

By Dr. Mohamed O Nur-Shacabi

Somaliland shicibkeedu waxay muujiyeen daacadnimo iyo dal jacayl ay ku munaysteen sidii hufnayd ee uga qayb-qaateen doorashooyinkii degaanada ee ka dhacay dalka bishii December 15, 2002. 

Inkastoo ay weli jiraan bislaan la'aan weyn oo aan shicibka Somaliland weli u bislaan amuurahan cusub ee xisbiyada, ayaa haddana ay noqotay mucjiso weyn oo cid waliba indhaha ku kala qaaday in aan la yaraysan karayn shicibka Somaliland oo si la yaab iyo amakaag ah sida ay codkoodii u dhiibteen yar iyo waayeel iyo hanweyba.

Maxaa haddaba laga faa'idaysan karaa doorashadaas hore si loogu hawl gallo tan foodda innagu soo haysa ee lagu dooran doono jagada Madexweynaha Somal iland shanta sanno ee innagu soo socda Haddii Eebbe Raalli Ka Noqdo? 

Waxaynu dhammaan ka wada dheregsanahay sidii doorashadii hore u dhacaday iyo saddexdii xisbi ee ka soo baxay lixdii xisbi ee loolanka doorashooyinkii degaanada ku loolamayey. Inkastoo doorashooyinkaas u dhaceen si nabad gelyo iyo xasilooni ku dheehantahay, ayaa haddana xisbiyada badankoodu ka wada cabanayaan inay jiraan ku shubasho iyo talaxgab badan.

Waxaa hadaba innala gudboon in si cadaalad iyo goob-joognimo jaango'an loo qoondeeyaa doorashooyinka fooda innagu soo hayaa dhawaan. Waxaa mar kastaba laga filayaa shicibka Somaliland inay si fiican qaybqaataan dadweynahooda oo ay ku dhaqaaqaan sida looga bartay oo muujiya inay wax walba ka horreysiiyaan danta dalkooda ay halganka dheer u soo mareen xorayntiisa. 

Waxaan markaas kula dardaarmayaa shicibka Somaliland inay doorashadan soo socota si hubsiimo iyo aragti dheer leh ku eegaan iyagoo ka eegaya qofka loo dooranayo jagada Madaxtanimada dalka shanta sanno ee soo socota inaan si sahlan loogu qori tuurin ee laga eegaa dhan kastaba qofka runtii hannan kara una qalma, aqoon, karti, waayo-ragnimo,shaqsiyad, ka dhaadhicin kara dibeda Somaliland iyo mowqifkooda gooni-isutaagnimada, kor u qaadista dhaqaalaha, tacliinta, bulshadda, warshadaha, dekadda iyo dhismaha guud ee gobolada, degmooyinka , tuulooyinka iyo xoola dhaqtadaba.

Qof kasta oo Somalilander ahi wuxuu haystaa mid ka mid ah waxyaalaha qofka bani'aadamka ilaahay siiyey oo xornimada codaynta, taasoo ah mid qaaliya. 

Shaqsigu markiii uu codkiisa dhiibanayo waxay ka mid tahay waxyaalaha u baahan inuu ku saleeyo cadaalad,waayo,haddii aad caddaalad doonaysid, dee waa inaad adigu iska bilowdaa inaad falkeeda samaysid. Taas macnaheedu waxay tahay inaadan qofna ugu shubin adigoo ka eegaya isku reer baad tihiin ee aad ka eegto arrimaha aan kor ku soo xusay qofka leh markaad is-barbar dhigtid saddexda nin ee ku bartamaya loolanka madexweynaha Somaliland.

Haddii qof waliba sidaas yeelo isagoo cadaaladnimo iyo wadaninimo ku salaynayaa cod-bixintiisa,waxaa hubaal ah in Somaliland noqon doonta mid Afrikada kale dhammaanteed ku soo hiigsato oo ay ku dayato, wax kastoo aynnu damacnanna aynu gaadhi doona inagoo wada jir ku wada qabsanaynna.

Ilaahay waxaan inooga rajaynayaa dhamaanteen inuu inna tuso sida xaqa ah, innaguna toosiyo midkii hogaanka toosan dalkeenna u qaban lahaa....Aamiin...

Dr. Maxed Cismaan Nur-Shacabi

Top


Cadowga Somaliland Il Qudha Ha Loo Yeesho

Halgan dheer oo naf iyo maalba loo huray ka dib jamhuuriyada somaliland waxay 26juun 1960kii gobanimadeeda ka qaadatay guumaystihii ingiriiska isla markaana waxay noqotay dawlad la wada aqoonsan yahay oo ka diiwaan gashan Qaramada midoobay (UN)oo ay xuduudaheedu ay cayiman yihiin murana aanu ku jirin.

Haddaba isla 1960kii ayay dadweynaha reer somaliland la midoobeen walaalahoodii koonfurta ahaa oo markaas uun iyaguna ka hoos baxay guumeystihii talyaaniga. Waxay xaaladu sidaa ahaatoba 21kii october1969kii ayuu ina barre xukunkii wadankii la isku odhan jiray somaliya milateri ku qabsaday.

Taas oo keentay in dadka reer somaliland lagula kaco xadgudubyo faro badan oo dhinac walba taabanaya,xadgudubyadaas oo ay kamid ahaayeen:-dhac,faro xumeyn,xasuuq,iyo iyada oo dumarkoodaba la kufsan jiray iyo waxyaabo aad ufool xun oo bina aadanimada ku lidi ah oo aananu halkan kusoo koobi karin.

Taas ayaana sababtay in dadka reer somalilandna galaan halgan dheer oo qadhaadh oo ay kula soo noqonayaan dawlad nimadoodii ay 1960kii geeyeen koonfurta.

Nasiib wanaag waxa ay dadka reer somaliland ku guuleysteen in ay xukunkii diktaatooriga ahaa ee taliskii siyaad barre ay ka xorreeyaan wadan keenan somaliland oo ay xukunkiisiina ay si toos ah uga tir-tiraan ciida somaliland.

Haddaba 18kii may 1991kii ayayna reer somliland ku dhawaaqeen in ay kala soo noqdeen gobanimadoodii koonfurta. Ilaa haddana waxaynu gaadhnay horumar aan la qiyaasi karin.

Haddaba waxa aanu la yaabnay waxa uu maagan yahay dagaal ooge c/laahi yuusuf ,waxaanu leenahay waad ogtahay ina Yuusufoow in somaliland iyo somalia ay ahaayeen laba dal oo walaalo ah isla markaana derisna ah 1960kii ay gobanimadooda qaateen.

Laakiin haddaladaada aad ugu jirto ololaha kursiga somaliya ee lidka ku ah jamhuuriyada somaliland waxay ka dhigan yihiin dhibic dhiig cas ah oo lagu dhex dhibciyo badweynta sida aanay waxba uga badelayn biyahaa bada ayaanu hadalkaaguna waxba uga bedalayn figrada uu caalamku ka haysto jamhuuriyada somaliland. Hadalkaaguna Waa hal bacaad lagu lisay,waxaananu kuu soo jeedinaynaa :-
Somaliland Waa tiir adagoo
Cidii taabo is tidhaahdana
Tiirraan yaa u dambeysee
Saddex talaabo dib u qaad
In taan tudh lagu soo siin
Oo itaalkaagu waxa uuu
Yahay lagu taabsiinin

Maxamed Axmed Xuseen (axamed case)
Maxamed Cumar Cabdi (maxamed cirro)

Prepared by:-maxamed Case.
Good Bye and good Luck.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 78aad

Mingistu:"Anigu dhexdooda waxaan ku noqday saanwaj uu qofka soo gaadhaaba afka gashanayo , niman ka tirsan golaha dhergiga iyo niman iyaguna ka tirsan maamulka oo aanu saaxiibo ahayn, laakiin tiro kooban ah ayaa yidhi "Ma dhici karto inaynu dhexgalno arinta ku saabsan nidaamka caalamka cusub ee hore u maray inuu iska kaayo horkeeno culimo-udiinka iyo masuuliyiinta diimaha, waayo hadii aynu labada arimood (diimaha iyo hantiwadaagga) waxa dhacaysa in ka kale colaadi ina dhexmarto, sidaa darteed waxaanu odhan lahayn waa in muddo ah dib loo dhigo."

Ragga fekraddaa soo bandhigay waxay ahaayeen qolyihii barnaamijyada kacaanka faafinayey oo dadka wacyigelinayey, kuwaas oo isugu jiray arday, niman mutacalimiin sarsare ah, askar iyo weliba niman siyaasiyiin ah, laakiin kuwo kale ayaa iyaguna yidhi "Anagu diyaar uma nihin inaanu barnaamijkaa socod siino". Dabadeedna markii aan arinta dhianac walba ka eegay, isla markaana aan baadhay faa’iido iyo khasaare mid-ba waxa ay leedahay ama keeni karayso, sidaa darteed waxaan kala kulmay arimo qabyo ah oo aan dhamaystirnayn. Tusaale ahaan markii aanu isku daynay inaya dawladda Maraykanku hub na siiso , waxay na siiyeen jawaab dayro ah oo marka la eego xaaladayada dib-dhac nagu ah, waxayna nagu yidhaahdeen "Idinku kuwama ayaad tihiin, waa maxay sababta aanu hubka idiin siinaynaa, ta kale waxaanu ku soo baaba’nay dagaaladii Fiyatnam oo tamar ma hayno, sidaa awgeed codsigiina hadda jawaab uma hayno waayo haba yaraatee ma hayno awood aanu wax idinku tarno."

Laakiin baahi ayaa na haysay, sidaa darteed jawaabtaasi waxay ahayd mid aan xaaladayada sinaba ugu haboonayn, waayo marka hore waqtigu wuu yaraa, isla markaana cabsidu marba marka ka sii dambaysa way nagu sii siyaasadaysay, xaaladuna way nagu sii xumaanaysay, sidaa aawadeed arintaasi waxay noqotay mid la wada fahamsan yahay ama lagu qanacsan inaan xagga galbeedku waxba nooga soo socon, ta labaadna waxa taa ku darsamay xubnihii doonayey gooni u goosadka, kuwaas oo ay ujeedada ay doonayaan ay ahayd gooni goosed, laakiin si aan loo odhan kacaanka ayaad la dagaalamaysaan ayey ku doodeen "Arintaasi waa mid aanay waxba ka jirin, waana arin la doonayo in wax lagu siro, waana wax aan la garanayn horteeda iyo dabadeeda, markaa Itoobiya fekrad noocaas oo kale ahi kama jiri karto", sidaa awgeed maadaama ay borobagaande noocaas oo kale ah suuqa noo marinayeen waxay markaa dantu igu khasabtay inaan labada dhinac dhinac raaco, markaa aniga iyo xubno kale oo golaha dhergiga ka mid ah ayaa arintaa mawqif ka qaadanay, mawqifkaasina waxa uu ku salaysnaa inaanu aqbalno kacaanka Qaranka ee dimoqraadiga ah, hadaba sababtaa ayey ahayd sababta keentay in la sameeyo xafiiskii xisbiyada qoomiyadaha. Laakiin si aanu jawaab ugu helo hadii ay meesha timaado su’aasha ah "Waa maxay ujeedada iyo siyaasadda xafiiskaa laga leeyahay" waxaanu arintaa si wanaagsan uga sii tashanay qolyihii kale ee aanu wada shaqayn jirnay, taas oo inta aanu isu nimi aanu samaysanay istaraatijiyad , ka dibna waxaanu samaynay ama ku soo baxnay xisbi shilis oo safka hore ah, dadweynuhuna hadii ay helaan xisbi siyaasadeed ay isku hallayn karaan, isla markaana ay beeralayda iyo shaqaaluhu helaan xuquuqdooda, sidoo kalena ciidanku uu helo nabadgelyo, waxa naloo yeellan lahaa kalgacayl xad-dhaafa, markaa waxaanu iswaydiinay su’aasha ah "hadii aynu isku magacowno xisbi dhexe wa’ayo cidda inaga soo horjeesan karaa, ma waxa inaga soo horjeesan kara kuwa kas-gaabnimada qabyaaladda aaminsan, mise kuwa damacsan inay goostaan ayaa inala dagaalami kara, sidoo kale ma kuwa jecel taajka boqorka ayaa inaga soo horjeesan kara, mise kuwa jecel maamulka cuqaasha ayaa inala dagaalami kara". Arintaa markii aanu gorfaynay waxaanu is nidhi "Arintaa iyada ah ma aha inay cabsiyi inaga gasho."

Ganat: Markaa barnaamijkiinu waxa uu ka salaysnaa nidaamka axsaabta badan ?.
Mingistu: Haa, maxaa yeelay barnaamijka aanu wadanay dadku dheg uma ay dhigaynin ee maanta arinta nalagu dhaliilayaa ee reer galbeedka lagu faafinayaa, lana doonayo in sida B, T, J-da naloo baro, naloogana dhigo wax cusub sidaa may ahayn, waayo xisbiyadii hantiwadaaggu waxay ahaayeen kuwo aanu barnaamijkooda oo dhan hore u soo bandhignay ama u samaynay, hadii ay tahay sida ay u hawl-gelayaan, hadii ay tahay mabaadi’dooda iyo hadii ay tahay faa’iido iyo dhibaato mid-ba waxa ay leeyihiin...

La soco cadadka dambe.

Top


Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga (2)

Q: 2aad Qiso Dhab Ah - Waxa Ka Sheekeeyay Xasan Olol, Waxaana Waraystay Weriye Liibaan M. Shire

Akhristayaal intiinii la socotay cadadkayagii jimcihii soo baxay waxaanu idiinku soo gudbinay qiso ka hadlaysa nin insi ah oo is guursaday, ninka guursaday naagta jinka ah oo ah nin reer Somaliland ah, waxa magaciisa la yidhaahdaa Xasan Olol Jaamac oo ah oday ay da’diisu tahay 70 jir, waxa uu hadda ku sugan yahay magaalada Hargeysa, markaa waxa sidii ay qisadaasi u dhacday kala sheekaystay Liibaan Maaweel Shire oo Haatuf ka tirsan, qisadaas oo ah qiso dhab ah oo dhacday waa tan qaybteedii labaad oo uu Xasan Olol kaga sheekaynayoa sidii ay gabadhaa jinka ah isu guursadeen.

"Weligay jinow sheekona kuguma maqal shaahidna kuguma arag, gabadhaasi mar kale ayey hadana badda I quusisay, laakiin markii aan biyihii hal mar cantuugay ayey I sii daysay, dabadeedna waxaan is idhi naagta badda kaga adkaan maysid ee beriga ugu bax, ka dibna intaan baddii ka baxay ayaan guntiga giijistay oo aan weliba gaabsaday, go’ii kale ee aan tuurta ku sitayna dhexda ayaan ku xidhay, budhkii aan sitayna labada gacmood ayaan ku qabsaday oo waxaan u diyaar garoobay dagaal, dabadeedna markii ay baddii ka sooo baxday ayey iyadoo aan kala jeclayn inaan dad ahay iyo inaan duunyo ahay oo laafyoonaysa oo biyihii timaheeda ka daadinaysa oo shax-shaxda kaga siinaysa ayey iskay soo agtaagtay markaas ayaan ku idhi "Naa maxaad badda iigu bakhtiinaysay", aniga oo isleh intaanay maryaha kaa gashan ee ay qaawan tahay beerka kaga deg, laakiin waxay igu tidhi "oo ma iminka ayaan kaaga raynayaa", markii ay intaa tidhi ayaan budhkii u taagay, balse goor ay I qaaday iyo goor ay I legaday iyo goor ay budhkii iga tuurtay toona aniga oo aan ogayn ayuun baan arkay iyadoo gacmeheedii midna cunaha igu qabatay, midna labadaydii gacmood, laakiin ima ay ceejine waxay igu tidhi "waar mayska tegaysaa, mise kan cad iyo kan madow ayaan ku kala siibaa."

Markii ay intaasi I gaadhay ayaan anigu is la hadlay oo aan is idhi "Waar heedhee dadku marka uu is laayo waatii uu isku xiiqi jiray ee goorma ayey gabadhani ku legeday, ushiina kaa tuurtay,dabadeedna aniga oo amakaagsan ayaan iyadii ku idhi "Naa bal I sii daa waan iska tegayaaye", markaas ayey I sii daysay, ka dibna waan dhaqaaqay, balse markii aan hal cabaar ah sii socday ayaan dib u soo eegay, dabadeedna waxaan arkay iyadoo lebisatay, laakiin jeesigii aan sidaa u eegay saa waa iyadii oo I dhinac taagan, ka dibna waxaan is idhi "Waar adiga oo dadka u dheerayn jiray kuma ay soo gaadheene ma mid kale ayaa meesha ku sii aasnayd , dhinicii ay iga maraysay mooyee dhinicii kale ayaan eegay mise waa cidla, aniga oo yaaban markii aan saddex goor talaabsaday ayey gacanteeda garabka iga saartay oo ay igu tidhi "Inaadeer xagee baad ku socotaa". Ileyn nin cadhaysan oo ay ka adkaatay ayaan ahaye gacanteedii ayaan iska tuuray, ka dibna inta ay I hor qabataysay bay igu tidhi "Waar dadku waana is dilaa, waana heshiiyaaye xagee baad ku socotaa." 

Markaas ayaan aniga oo dudaya ku idhi "waxaan ku socdaa Berbera", markaas ayey igu tidhi "Caruur cayntaa ba’day oo Berbera intee baad ku gaadhaysaa", markaasaan ku idhi "Caawa ama habeen dambe ayaan gaadhayaa," markaas ayey igu tidhi "Toban cisho kuma gaadhaysid ee waxaad yeeshaa reerkayaga oo halkan yaal caawa u sii hoyo, oo halkaa raashinkaaga iyo shaahaaga ku sii karso, ka dibna marka aad nasato meeshii aad ku socatay qabo, laakiin waxa jirtay in aabeheed hore ugu yidhi aroortii jin iyo insi wixii aad hesho soo kaxayso, waan ogolaaday sheekadii ay ii soo jeedisay oo waxaan ku idhi waayahaye ina mari, ka dibna inta ay gacanta midig iga buuxsatay ayey xagii buurta ii jeedisay, buurtana hadii aanu u lugayno waaga ayaa nooga beryaya oo ma gaadhi karno dusheeda sare, laakiin ila booday iyo ila duushay ma garanayo ee waxaana arkay mar qudha anaga oo buurta dusheedii taagan, dabadeedna niman mawlac (masaajid) ku tukaday ii jin ah ayaa igu soo yaacay, iyaga oo qaylinaya oo leh "Alla insi bay wadataa", ka dibna inta ay xaggeeda dambe I marisay ayey iyagii af afka Shiinaha u eg kula hadashay, laakiin cabaar markii afkaa kula hadashay ayey hadana af-Somali kula hadashay oo ku tidhi "Aniga may garanaysaan inaan Aamina Suldaan ahay", waxay ku yidhaahdeen "Haa, waanu ku garanaynaa", markaas ayey hadana ku tidhi "Aabahay ayaa igu yidhi jin iyo insi wixii aad hesho soo kaxayso, markaa wiilkaa yar baan soo helay oo ma taaban kartaan", ka dibna waxay ku yidhaahdeen "Buulkaa ha sii fadhiisto oo yaanu na soo dhexgelin inta aanu aabahaa soo waydiinayno", dabadeedna buulkii baa la I geliyey, laakiin labada suul ayaan ku fadhiistay oo waxaan is leeyahay marka ay kaa fogaadaan Tow dheh oo jarka buurta iska tuur, ka dibna markii aan cabaar hadalkooda dhegta u sii dhigay ayaan is idhi kaa durkee Tow dheh, sow buulkanowba gaadh baad iga tahay, ka dibna markii aan orday ayuu buulkii igu soo booday oo futada dhulka iigu dhuftay, waan yaabay, dabadeedna aniga oo fajacsan ayey igu soo noqdeen oo igu yidhaahdeen "Oo ma baxsaad is lahayd", markaas ayaan ku idhi "Maya ismaan odhan baxso", ka dibna way lay kaxeeyey, waxaana lay geeyey meel dayr leh oo ay Kebdo iyo cawsas ku wareegsan yihiin oo weliba iftiimaysa, isla markaana ay wax waliba yaaliin, markii albaabka meeshaa lay soo taagay ayaan ku idhi Asalaama calaykum", waxay iigu jawaabeen "Wa’calaykum Salaam", markaas ayaa laygu yidhi soo soco oo suldaankii waa kaa dhexda fadhiya ee salaan , ka dibna intaan kabihii iska bixiyey ayaan suldaankii gacan qaaday. Markaas ayuu suldaankii furaashkii uu ku fadhiyey inta uu cagihii laabtay agtiisa I fadhiisiyey, wuxuuna yidhi koob shaah ah oo bigays ah u soo shuba, ka dibna waa lay soo shubay, waana cabay shaahii, balse markii aan shaahii cabay ayaan idhi biyo aan cabo ii soo shuba, markaas ayuu suldaankii yidhi "biyo iyo caano haylusugu shubo maanta oo dhan ayuu soconayey oo wuu beer-xoormayaaye, ka dibna intii ayaa cabay, markaas ayaan dhididay, ka dibna markii aan qaboobay ayuu suldaankii igu yidhi "Waaryaa Xasan Olol", markaas ayaan is idhi "waar nin aabahaa Olol garanayee, markaas ayaan ku idhi Hee, ka dibna wuxuu igu yidhi "Aamina ma wada socoteen", ka dibna waxaan suldaankii ku idhi "Aamini ma gabadhan ila socotay baa", markaas ayuu igu yidhi "haa", hadana wuxuu igu yidhi "Oo maxay ku soo tidhi", markaas ayaan ku idhi waxay igu tidhi "reerkayaga caawa u sii hoyo oo ku sii raashin karso, ka dibna meeshii aad ku socotay u sii ambabax", dabadeedna suldaankii wuxuu la hadlay gabadhiisii oo halkan aloolka dabadiisa taagan oo uu ku yidhi "Aamina ma caynkaas baa." 

Ka dibna Aamina waxay aabeheed ku tidhi "Aabe si kale ayaanu igu soo raaceen oo sidaas ayaan ku soo kaxeeyey", odaygii suldaankii ayaa hadana xagaygii u soo jeestay oo igu yidhi "Waaryaa Xasan Olol gabadhu way ku rabtaa ee adigu ma rabtaa", markaas ayaan is idhi waar ma nimankii aad buulkoosa ka baxsan kari wayday ayaad maya odhan karaysaa, ka dibna aniga oo baqaya ayaan ku idhi "haa waan rabaaye aan reerkayagii xoolo kaaga doono", markaas ayuu yidhi suldaankii "Anaga xoolo nalama siiyo ee anaga ayaa bixina ee gabadhii ma rabtaa", Haa ayaan dabadeedna idhi. 

Ka dibna suldaankii nin gadhweyn oo meesha fadhiyey oo uu Sheekh Cumar ugu yeedhay ayuu ku yidhi "Sheekh Cumarow anigu gabadha aabeheed ayaan ahaye, wiilku waa wiil yare wakiil u noqo," ka dibna sheekhii ayaa igu yidhi "Xasanow ma I wakiilatay" markaa da’daydu 15 jir ayey ahayd, Haa ayaan ku idhi oo Sheekhii ayaan wakiishay, dabadeedna suldaankii iyo sheekhii ayaa gacmaha isa saaray oo wixii meher ahaan jiray dhameeyey, laakiin intii uu meherku socday ayaa aqal weyn oo ilaaxidh leh la dhisay. Waxa kale oo lay keenay dhar aanan weligay arag oo xariir ah oo ay ka mid yihiin Go’ shaal ah, macawis abusarando ah, koodh iyo cimaamad. Ka dibna waxa lay siiyey biyo aan ku soo maydho, ka dibna markii aan soo maydhay ee aan soo lebistay ayaan anigii is daawaday ileyn waxaan sitaa lebis igu cusub oo aanan weligay xidhan.

Suldaankii ayaa laba wiil ku yidhi alaabtiisa u qaada oo gurigiisa geeya, dabadeedna wiilashii ayaa I kaxeeyey oo gurigii I geeyey, soo gal ayay igu yidhaahdeeen, markii aan galayna waxaan arkay guri wada kaahaya, isla markaana aanu faynuus iyo tiriig toona ka baxayn, ka dibna aniga oo gurigii daadaawanaya ayaan maqlay shalaad iyo qasiidooyin sooo baxaya "hoy nebow, nuur allaw, Maxamed Nebi, magac samaw". Markaas ayaan is idhi wallee tii Aamina ayaa la soo wadaa, ka dibna aniga oo halkii taagan ayey Aamina oo ay laba gabdhood gelbinayaan aqalkii dalaq soo yidhaahdeen, markaas ayey Aamina igu tidhi waar maxaa meesha ku taagay, markaas ayaan aniga oo istiilaya ku idhi "Dee adiga ayaan ku sugayey", ka dibna markaas ayey igu tidhi "waa yahay" , waxayna iga bixisay maryihii aan sitay oo waxay igu soo reebtay garran iyo macawis keliya, wayna I fadhiisisay, laakiin markii aan fadhiistay ayaan si kaftan ah ugu idhi "Waadigan malxiisadda wata’e aan aniguna malxiis doonto", markaas ayey igu tidhi, "Anaga ayaa kuu malxiis ahe iimaanso."

La soco cadadka dambe.

Top


Dayax Gacmeed Maraykanku Lahaa Oo Burburay

AFP- Dayax Gacmeedka Columbia oo Maraykanku Lahaa ayaa hawada sare ku burburay ka dib markii uu maalintii shalay ka kacay xarunta NASA ee gantaalaha hawada sare laga gano iyadoo ay ku dhinteen 7 qof oo saarnaa dayax gacmeedkaasi.

Markii uu dayax gacmeedku hawada sare ku maqnaa 15 daqiiqo ayay go’een dhamaan xidhiidhkii isgaadhsiinta ee uu lahaa xarunta laga ganay, iyadoo uu qorshuhu ahaa inuu fadhiisto xarunta Kennedy ee gobolka Florida.

Cirbixiyeenada dhintay waxa ka mid ahaa, cir bixeenkii ugu horeeyay ee u dhashay Israa’iil ee raaca dayac gacmeedada oo la odhan jiray Col: Ilyan Romun. Sida uu sheegay afhayeen u hadlay wakaalada Maraykanka u qaabilsan hawada sare ee NASA in dayax gacmeedku burburay markii uu ku dhawaaday saldhigii uu fadhiisanayay iyadoo burburkiisu uu ku dhacay meel 160Km u jirta magaalada Dallas ee gobolka Taxes markaas oo uu go’ay war isgaadhsiintii lala lahaa dayax-gacmeedkaasi.

Qaraabada Cirbixiyeenada la socday Dayax-Gacmeedka ayaa ku sugayay xarunta Kennedy balse waxay ka dareereen markii ay maqleen burburka ku dhacay dayax gacmeedka.

Madaxweynaha Maraykanka George W. Bush ayaa markiiba lala socodsiiyay waxa dhacay balse afhayeen u hadlay aqalka cad ayaa meesha ka saaray in uu qaraxaasi ka dhashay weerar argagixiso.

Qaraxa Dayax gacmeedkani waxa uu ku soo beegmay iyadoo amaanka dalka Maraykanka aad loo adkeeyay balse taasi may badbaadin dayax-gacmeedkaasi, sababta amaanka loo adkeeyayna waxay ahayd cirbixeenka reer Israa’iil ee dayax gacmeedka saarnaa.

Wakaalada NASA ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah iyadoo la galay hawlgal badbaadinta iyo baadi goobka burburka Dayax-gacmeedkaasi.

Sida ay NASA sheegtay dayax-gacmeedku waxa uu dhulka sare uga kacay laba boqol oo kun oo mitir, isagoo ku socday xawaare dhan 12,500 oo Mayl saacadii oo u dhiganta 20,000Km saacadii markaas oo uu go’ay xidhiidhkii lala lahaa iyadoo saacadu ahayd 8:00Am subaxnimo ee Maraykanka.

Tan iyo markii la bilaabay ganista dayax-gacmeedada oo laga joogo 42 sano waa markii ugu horeysay ee dayax-gacmeed ay NASA dirtay uu ku burburo fadhiisinkii loogu talo galay. Inkastoo uu sanadkii 1986 u burburay dayax-gacmeed la odhan jiray Challenger in yar ka dib markii uu dhulka ka kacay.

Top


Maraykanka Oo Deg Degsanaya Weerarka Ciraaq

Washington (W. Wararka) Madaxweynaha dalka Maraykanka George W. Bush ayaa ku baaqay in golaha amaanku qaraar deg deg ah ka soo saaro xaaladda dalka Ciraaq si madaxweyne Sadaam Xuseen loogu khasbo inuu baabi’iyo hubka halista ah ee lagu tuhunsanyahay inuu haysto sidaana waxa uu ka sheegay Madaxweyne George Bush shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen maalintii shalay Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Tony Blair oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka.

Madaxweyne Bush isagoo sii wata hadalkiisa waxa uu sheegay in go’aan cusub oo laga soo saaro Ciraaq oo aad u soo dhawaynayo Maraykanku, isla markaana uu aduun waynaha tusayo dhaga adayga Madaxweynaha Ciraaq, isagoo qaraarkii 1441 ee uu golaha amaanku soo saaray bishii November ku tilmaamay mid ku khasbaya Maraykanka inuu talaabo milatari qaado, iyadoo aanu wax go’aana ka sugin golaha amaanka.

Labada hogaamiye Bush iyo Blair waxa ay wada jir u taageereen in golaha amaanku soo saaro go’aan fasaxaya xoog loo adeegsado, maamulka Ciraaq si hubka looga dhigo. Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska waxa uu si gaara u sheegay inuu arrintan u bandhigi doono Madaxweynaha Faransiiska, marka uu booqashada ku tago maalinta berri ah.

Faransiiska ayaa lagu tiriyaa inuu si wayn uga soo horjeedo weerar lagu qaado Ciraaq, halka ay Maraykanka iyo Ingiriisku si wayn uga taageersanyihiin.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibada ee Maraykanka Colin Powel ayaa sheegay inuu golaha amaanka u bandhigi doono maalinta arbacada ee soo socota cadaymo ku saabsan sida uu dalka Ciraaq beenta uga sheegayo hubka halista ah ee u haysto.

Isagoo intaa ku daray in maamulka Sadaam Xuseen uu khiyaameeyay baadhayaasha hubka isla markaana ay marin habaabin ku sameeyeen iyagoo ka qariyay goobaha xasaasiga ah ee ay ku haystaan hubka halista ah.

Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo ay baadhayaasha hubku dar dar galiyeen hawlgaladooda ay ka wadaan Ciraaq, iyagoo la sheegay haatan inay adeegsanayaan diyaaradaha wax basaasa ee Maraykanka.

Top


Iska Horimaadyo Ka dhacay Afqaanistaan

Kabul (W. Wararka) Dagaalo cusub ayaa ka qarxay dalka Afqaanistaan kuwaasoo ay soo kiciyeen xoogag taageersan Xikmatiyaar oo hore uga tirsanaa hogaamiyayaashii Mujaahidiintii afgambiyay dawladdii Shuuciga ahayd 1991-kii balse ay iyagana Daalibaan xukunka ka qaaday ka hor intii aan iyadana talada laga tuurin.

Dagaaladan soo cusboonaaday oo ka dhacay bariga Afqaanistaan kuwaasoo dhexmaray xoogaga Xikmatiyaar iyo ciidamada Maraykanka ee ku sugan Afqaanistaan, balse lama sheegin wax khasaare oo halkaa ka dhacay.

Dhinaca kale 18 qof ayaa dhintay ka dib markii ay miino ku qaraxday gaadhi nooca rakaabka ah oo marayay agagaarka magaalada Qandahar ee koonfurta Afqaanistaan.

Arrimahani waxay ku soo beegmeen iyadoo lagu soo waramayo in gantaalo lagu weeraray caasimada Kabul kuwaasoo aan ilaa iyo hadda la garanayn cida soo gantay. Waa markii ugu horeysay ee gantaalo ay ku dhacaan caasimadda Kabul tan iyo markii xukunka laga tuuray maamulkii Daalibaan sanadkii 2001.

Top


Ciraaq Oo Madax Ka Noqonaysa Guddiga Hubka ka dhigista

New York (W. Wararka) Afhayeen u hadlay qaramada midoobay maalintii shalay ayaa sheegay in dalka Ciraaq uu la wareegi doono madaxtinimada gudida hubka ka dhigista qaramada midoobay, taasoo ka bilaabmaysa 17-ka ilaa 28-ka bisha March ee fooda inagu soo haysa, ka dibna 12-ka ilaa 25-ka bisha May ee soo socota.

Arrintani waxay ka dambaysay markii dawladda Iiraan ay banaysay jagadaas, taas oo fursad u siisay dalka Ciraaq inuu qabto jagadaasi. Muddada uu dalka Ciraaq madaxda ka yahay gudida hubka ka dhigista waxa lagu wadaa inay qaado olole ay kaga horjeedo Maraykanka oo haatan ku eedeeya Ciraaq inay qarsanayso hubka halista ah. Waxa kale oo lagu wadaa in dalka Ciraaq uu dagaal u galo sidii wax looga bedeli lahaa xeerarka u yaala gudidaasi. Waa markii ugu horeysay ee dalka Ciraaq uu madax ka noqdo gudidaas tan iyo markii uu ku biiray gudidaas sanadkii 1986-kii markaas oo uu socday dagaalkii u dhaxeeyay Iiraan iyo Ciraaq.

Top


Dedaal Loogu Jiro Badbaadinta Heshiiskii Ivory Coast

Abidjan (W. Wararka) Dedaal caalami ah ayaa loogu jiraa sidii loo badbaadin lahaa heshiiskii ay gaadheen dhinacyada iskaga soo horjeeda dalka Ivory Coast oo ka dhacay todobaadkii tagay dalka Faransiiska kaasoo haatan inuu burburo ku dhaw, ka dib markii ay mucaaradad xooglihi ka hortimid.

Arrintani waxay ka dhalatay ka dib markii taageerayaasha madaxweynaha dalkaasi Laurent Gabo ay diideen heshiiskaasi oo dhigayay in mucaaradka la siiyo jagada ra’iisal wasaaraha, taas oo loo magacaabay Sayido Dayaaro si uu u soo dhiso dawlad wada jir ah, balse waxa u suurta gali wayday inuu dalkaasi dib ugu laabmo ka dib markii mudaaharaado lagaga soo horjeedo ay ka dhaceen caasimada dalkaasi.

Dedaalka lagu badbaadinayo heshiiskaas waxa wada dalalka galbeedka Afrika oo kaashanaya dalalka waaweyn ee adduunka. Dawladda Maraykanka ayaa ku baaqday in la qaado talaabooyin lagu badbaadinayo heshiiskaasi iyadoo ugu baaqday dhinacyada is haya dalkaasi inay heshiiskaasi dhaqan galiyaan. Dalalka galbeedka Afrika oo shir madaxeed ku yeeshay caasimadda Senegal ee Dakar ayaa isla meel dhigay talaabooyin lagu badbaadinayo heshiiskaas laguna soo afjarayo dagaalada ka socda dalkaasi. Dhinaca kale ciidamada Faransiiska ayaa bilaabay daad guraynayaan dadka ajanabiga ah ee dalkaasi si ay uga badbaadiyaan dagaalada. 

Top


Jacaylkii Qiimihiisa Qurba Joogu Dhantaalay (1)

Sheeko Taxane Ah - Waxa Qoray Mukhtaar Maxamed Shiil

Qof kasta marka uu baxayo waxa uu salaan laabta laabta u saarayey Sacad. Wajiyada adka waxa ka muuqday farxad iyo riyaaq, Waxa saf balaadhan taagnaa eheladiisii iyo asxaabtiisii. Habeenkaa looma kala hadhin goobtaas. Ciyaaraha dhaqanka Soomaalidu u leedahay iyo kuwa muusiga qalaad la jaan qaada intaba waa la soo ban dhigay. Waxa iyagana aan marna la damin oo sameecadaha lagala socday heesaha ay Soomaalidu ugu jeceshahay oo si daran dooriya loo kala badalayey. Sacad waxay u ahayd habeenkii ugu farxada badnaa ee noloshiisa soo marta. Inta uu saaxiibkii Aadan ku soo dhawaaday ayuu ku yidhi "haddii nololi murugo, naxdin iyo rafaadba leedahay waan soo maray, habeenada qaarna maan seexan jirin walbahaar dartiis, caawana waadiga arkaya". Aadan ayaa madaxa ruxay markii erayadaas culusi ka soo yeedheen saaxiibkii. 

Sacad waa wiil ka dhashay qoys dhaqaale ahaan dhexdhexaad ah. Waa curad hablo mooyee aan wiilal la dhalan noloshiisana inta badan la oo qaatay labadiisa waalid iyo walaalihii, waxanu fursad u helay in waalidkiisu in badan koolkooliyaan kalgacayl dheeraad ahna u qabaan. Qurux iyo haybad raganimo waxa u dheer dabeecad wanaagsan iyo degenaansho. Haseyeeshee labadii sanadood ee u dambeeyey oo wakhti adagi soo maray ayaa wajigiisa u ekaysiiyey qof weyn dhaqankiisiina wax ka badalay. Waxbarashada aad ayuu u jeclaa intaanay ka qalin-daarmina fasalka saddexaad ee dugsiga sare ayuu ku jiray. Macalimiintiisa iyo asxaabtiisa oo aad u jeclaa inbadan ayey ku dedaaleen sidii Sacad maruun waxbarashada ugu soo laaban lahaa balse waxba ugama suuroobin. 

Waxa u suura gashay C/ Casiis iyo Foosi inay maalin ku booqdaan guriga ardaygii. ay kursiga ku wada fadhiisan jireen mudada dheerna saaxiibka ahaayeen. Maalintaas oo ay galinkii dambe sheeko ku dhamaysteen wakhtigoodii waxay Sacad xasuusisey marxaladihii kala duwanaa ee muddada kooban noloshu la soo martay. Isagoo isbidaya inuu la dardaarmo asxaabtiisa ayuu yidhi "Inta aad iska ilaalin kartaan Jacaylka iska ilaaliya". Inta ay cabaar qosleen ayay kaftan duurxula u dhex raaciyeen su 'aal goorahanba meel ay u ay maraan la'aayeen "Saaxiib baryahan waynu kala baadnaye, bal nooga waran wixii ku soo maray? 

Inkastoo aanu su'aashaas ka fileyn, haddana inta uu hoos u foorarsaday ayuu u bilaabay sheekadii isagoo wajigiisa qiiro ka muuqato. Waxay ahayd goor casar ah qoraxduna ku sii foorarsanayso godkeedii habeenimo. Waxa aan ku fadhiyey kursi horyaalay gurigayaga si wanaagsana waxan u dawaanayey jawiga maalintaas oo aad u qurux badnaa. Wakhtigaa barwaaqo ahaa awgeed dhulka meelwalba waxa goglanayd xareed.. Waxa cirka ku hagoognaa daruuro u diyaara inay dhibcaan. Sankaygu waxa uu macaansanayey udgoonka saxan saxada roobka. Dhagaha waxa iigu jiray sameecado, waxanay ku mashquulsanaayeen kala sooca muusik aan inta badan dhagaysan jiray. Indhahayguna waxay heegan u ahaayeen daawashada hadba cida soo marta dariiqa hortayda ku began. Noloshu waxay ahayd,mid bilaa dhib ah, kaliya waxan ka fikirayey sidii aan u soo booqan lahaa,adeerkay oo la ii sheegay in uu cusbitaalka yaal. Cabaar markii aan fadhiyey ayey indhahaygu qabteen jeegaan midabadeedii u dhan yihiin oo sida dhigta cirka ugu sawirantay. Jeclaysigeeda ka sokow, waxay iga saartay shikigii roobka aan uga cabsi qabay. Inta aan markiiba ka kacay ayaan horey gudaha guriga u galay. Waxanan u diyaar garoobay inaan booqdo dhakhtarka.

Markii aan albaabka waadhka soo galayba waxan indha la helay dad badan oo sariir ku dul buuqsan. Wadnaha ayaa boos ii dhacay, maan ogayn goor aan dul imid ilaa aan ogaaday inaanu isagii ahayn. Balse kama fogayn oo sariirta bidixda kaga began ayuu jiifay, haba yaraatee cid la joogtay ma jirin. Mar waan xanaaqay oo cidlada ayaan jidhdiiday, marna waan farxay oo ladnaantiisa ayay ii muujisay. 

Adeerkay oo ahaa nin naxariis badan oo gacan furan inta badan waxan ku xasuusan jiray lacag uu isoo siin jiray wakhtiyada dugsig fasax~ yahay ee aan gurigiisa ku booqdo. Waligiina imuu dhaafin isaga oo aan iga qoslin. Waxa go'aansaday inaan la joogo ilaa iyo inta uu ka baxayo. Waxa sariirta barbarka bidix naga xigta yaalay oday da' weyn. Walaalkii oo kaliya mooye mar qudha maan arag iyadoo cid kale la joogto oo cunto u keenayso amaba wax kale u qabanayso. Haseyeeshee galab aan daawo suuqa ka soo iibinayey ayaan ugu imid dhawr qof oo la joogaa. Maan daymoon wajiyadooda haseyeeshee waxay ahaayeen nin iyo saddex haweeen ah. Waxanse aad ula yaabay gabadh da'yar oo in badan maalintaas dul fadhiday, dadkii la socdayna kaga wada tageen. Inkastoo ay iga sii jeeday haddana waxan dareemayey inay ilmada iska tirayso. Waan jidhiidhicooday oo jidhkaa iskay galay. Su 'aalo badan ayaan naftayda weydiiyey. "Maxaa haya sowka odayg ladan? . . tolow maxay isu yihiin...maxay awal uga maqnayd..? 

Dadkii la socday way uga quusteen inay ka dill kaxeeyaan, kaligeed ayaana ku soo hadhay. Dhawr jeer ayaan damcay inaan soo jeediyo oo aan ku idhaah odaygu waxba ma qabee maxaa niyada kaa dilay. Haddana waan ku dhici waayey. Haseyeeshee markii dareenkeedu dagay ayay bilawday inay jaleecdo dhinacyada dadka ka xiga Markii ugu horaysay ee aan wajigeeda arko waxay ila noqotay qof aan bore u aqaanay. Hadana waxan gartay inaanan waligay bore u arag;' Waxad moodaysay in indhahaygu ku dhaygageen oo ay awood u waayeen inay ka soo noqdaan. kamay xanaaqin sidii gabasha la'aanta ahayd ee aan u daawanayey wajigeeda igumanay odhan maxaad iga soo eegaysaa sida caadada u ah hablaha.

Ma garan karo goor aan su 'aalay waxanse ku war belay iyadoo cod aad u dagan oo naxariisi ka muuqato ku leh "haa waa aabahay!" 

Erayadaas markii aan maqlay waxay igu dhiiriyeen . inaan su 'aalo kale weydiiyo. Markii bore waxay iigu muuqatay qof aan hadal oo laga cabsan karo balse markii dambe waxay noqotay gabadh furfuran oo hadalkeedu miisaaman yahay kaftankana aan qoonsan. "Hadaad aabahaa sidaa u jeceshahay maxaad uga maqnayd?" ayaan su'aalay. Waxay ii sheegtay in markii odayga dhakhtarka la soo dhigay qoyskooda oo dhami Jabuuti ku maqnaayeen. Dedaal baa ka muuqday ay aabaheed ku ilawsiinayso cudurkii iyo cidladii isugu biiray sidaas darteed may jeclayn inay agtiisa ka fogaato, taasina waxay aniga fursad ii siisay inaan wakhti badan wadaagno maadaama aanay meel kale u baxayn. Waxay ii sheegtay in magaceedu Haboon yahay. Waa gabadh ilaahay u dhameeyey astaamihii lagu yiqiin qurux dumarnimo, waxa u weheliya ixtiraam iyo hab dhaqan wanaagsan oo markaaba ku soo jiidanaya. Muddo yar kadiba waxan u ekaanay laba qof oo waligoodba isyaqaanay marka la eego sid a aan u sheekaysanaynay. 

Aabaheed xanuunku wuu ku sii siyaaday maalmihii dambe. Haboona warwarkii aad buu ugu sii kordhay. Mar walba waxan isku dayayey inaan ilawsiiyo Doono niyada u dhiso. Wax kastoo suuqa looga baahdo, haddii ay dawooyin tahay iyo haddii ay alaabo kale tahayba aniga ayaa u soo iibin jiray. Waxay iigu naxdin ta badnayd markii koox dhakhaatiir ahi ku soo urureen Haboon aabaheed. Waxay ku sheegeen dhiig la'aan. "Haddii aan dhakhso loogu shubin wuxuu qarka u saaran yahay inuu geeriyoodo" ayuu yidhi mid ka mida dhakhaatiirtii. Haboon markay kalmadahaas maqashay way muraaradilaacday. Waa la isku yaac-yaacay oo rag badan baa la soo ururiyey si loo eego cidda ay isku dhiiga yihiin. Waxan ahaa qofkii ugu horeeyey ee cadeeyey inuu diyaar u yahay inuu u shubo dhiigiisa. Markii la i baadhay isku dhiig baan noqonay. Sidaasaan uga mid noqday dadkii dhiigooda u huray Haboon aabaheed. Haboon waxay ahayd inan isku darsatay. Runtii maaha qof loo quudhi karo inay nolosheeda dambe ku noolaato aabo la 'aan iyo nolol adag. Haboon iyadu waxay la yaaban tahay ninkaygan aanay aqoonta hare isku lahayn ee Laba maalmood ka dib Haboon aabaheed wuu ladnaady. Iyadiina rajadii way u soo noqotay. Maalmihii dambe sheekadu way noo furfurantay aad baan isku fahamnay. Dadka qaar marka aan wadojoogno walaalay na moodaan. Dhanka kale waxa iyagana sheekadu isugu dubadhacday adeerkay Ismaaciil iyo aabaheed Cilmi jiifka isku waadh ilaa dadkii waadhka nagula jiray ay kaftankii hufnaa, wajigii furfurnaa, qosolkii badnaa, iyo Haboon hadaladeedii macaanaa awgeed labadii todobaad ee aan dhakhtarka joogay igalama badnayn laba maalmood. Si kastaba ha ahaatee, noloshaasi waxay gabagawday markii Dr. Shaafi igu wargaliyey in la joogo wakhtigii aan dhakhtarka ka bixi lahayn adeerkayna caafimaaday. 

Maalintaas intii ka dambaysay aadbaan u mashquulay. Waan jeclaa in aan marwalba dhakhtarka ku booqdo Haboon iyo Aabaheed, nasiib daro, waan haleeli waayey kadib markii uu bilaabmay sanad dugsiyeedkii, fasax laba bilood ah oo aan ku jirnayna dhamaaday. Waxan cagta isla helay dhalinyaradii aan isku ardayda ahayn oo aanaan muddo laba bilood ah dugsiga isugu iman. 

Todobaadkii hare oo waxbarashadu qarboqarbo ahayd awgeed waxan wakhtigaygii ku qaadanay sidii nin waliba bandhigayey wixii uu la oo kulmay intii la kala maqnaa, balse anigu umaan sheekayn cid aan ahayn Fahmi oo aanu asxaabtayada isugu dhawayn waxna aanay noD kala qarsoonayn. Markii aan uga waramay sidii aan Haboon isku baranay wuu rumaysan kari waayey, waayo, sheekada hablahana waa la igaga wanaagsanaa, waligii imuu arag anigoo gabadh salaan wax ka badan waydiinaya. Fahmi arrintani aadbay u soo jidatay, markiiba wuxu i weydiiyey inaan xidhiidh dhalinyarnimo la yeelan doono, waxanan ka dhaadhiciyey inay....

Top


WAADIGA CIYAARAHA 

Abaal-marino loogu talogay koobka lagu xusayo Cumar Booto-booto

Koob loogu talo galay in lagu xuso marxuum Cumar Booto booto oo dhawaan geeriyooday ayaa la filayaa inuu dhawaan ka bilaabmo garoonka Dugsiga Gacmo dheere ee Hargeysa.

Sida uu qoraal uu na soo gaadhsiiyay ku sheegay Yuusuf Ismaaciil Yuusuf oo ah gudoomiyaha qaban qaabada koobkaasi waxa ciyaaraha ka qayb qaadanaya kooxo kala duwan oo heerka saddexaad ee ciyaaraha kubada cagta ee magaalada Hargeysa, iyagoo ugu talo galay inay bixiyaan todob abaal marinood oo uu Yuusuf sheegay inay kala yihiin ciyaaryahanka goolka ugu horeeya dhaliya, ciyaaryahanka ugu gool dhalinta badnaada, ciyaaryahanka ugu ciyaarta wanaagsan, ciyaaryahanka ugu akhlaaqda wanaagsan, gool hayaha ugu fiican, difaacyahanka ugu fiican, ciyaaryahanka khadka dhexe ugu fiican.

Waxaanu intaa ku daray in koobka la gudoonsiin doono kooxda kaalinta koowaad gasha.
Kooxda kaalinta labaad gashana waxa la siin doonaa abaal marin.

Waxa uu sheegay in qabanqaabada koobkan uu qayb ka qaatay Fu’aad C/laahi Ciise (Dhabo) ugu dambayn waxa uu Yuusuf si weyn ugu mahad naqay warbaahinta dalka dhamaantood kaalintii ay ka qaateen baahinta koobkaas.

Top


Alan Boksic oo ka fadhiisanaya ciyaaraha kubadda cagta

Weeraryahanka u ciyaara kooxda Middlesbrough ee Alen Boksic ayaa sheegay in uu go’aansadaan in uu joojiyo heshiiskii ciyaareed ee uu kooxdiisa Middlesbrough iyo in uu ka fadhiisanayo ciyaarta kubadda cagta.

33-jirka Boksic oo u dhashay Koreeshiya waxa uu bilaabayaa hawlgabnimadiisa ciyaarta kubadda cagta toddobaadkan soo socda.

Intii uu u ciyaarayay Middlesbrough wuxuu Boksic u dhaliyay 23 gool wuxuu ku talojiraa Boksic in uu wada-tashi la yeesho hawl-wadeenada naadigiisa inta aanu ku dhaqaaqin dhammaystirka go’aankiisa uu kaga fadhiisanayo ciyaaraha kubadda cagta.

Jariirada Sportske Novosti, Boksic isaga oo arrintaa uga warramaya wuxuu yidhi; "Waxaan go’aansaday in heshiiskii aan ugu ciyaarayay Middlesbrough in aan joojiyo heshiiskaa, markii aan waqti dheer u ciyaarayay si adag waan soo xidhayaa meheradaydii ciyaaraha.

Top