Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 262 February 5, 2003

Badheedhaha Wargeyska

Aqoon-Is-Weydaarsi Xakameynta Cudurrada Galmada Laga Gudbiyo Oo Lagu Soo Geba-Gebeeyay Boorama

"15-Milyan Oo Qof Ayaa Dhiman Doonna Cudurka Qaaxada Ilaa Sannadka 2015"

Eng Axmed Biixi Oo Ka Digey Khatarta Qashinka Ay Shirkado Shisheeye Ahi Ku Daadiyaan Xeebaha Somaliland

Golaha Wakiillada: Mudanayaashii Shoobareeyay, Kooramkii Buuxsami Waayey Iyo Wasiirradii Ka Huleellay

Maxaa loo joojiyey dhismihii dugsiga masalaha

Shir-Madaxeedkii Midowga Afrika Oo La Soo Geba-Gebeeyay

Ra’iisal-Wasaaraha Ingiriiska Oo Faransiiska Ku Qancinaya In Weerar Lagu Qaado Ciraaq

Maraykanka Oo Golaha Ammaanka Hor-Dhigaya Caddeymo Hubka Ciraaq Ah

Sadaam Xuseen Oo Beeniyay Eedaynta Ah Inuu Xidhiidh La Leeyahay Al-Qaacida

ODHAAHDA AKHRISTAHA

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA Muxuu KOLBA DIB UGU DHIGAYA IN LA DOORTO DUQA MAGAALADA HARGEYSA

IRMAANTA SUUGAANTA

Food-Saaro (Gabay)

Taariikh Nololeedkii C/laahi Sulddaan Timacadde

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga

AC Milan Oo Kala Wareegtay Gunners-ka Kaalinta 1aad Ee Top 10

Kulan Keane Iyo Maamulaha Xulka Irishka Ku Dhexmari Doonna Manchester

Ljungberg Oo La Filayo Inuu Dib Ugu Soo Laabto Ciyaaraha Kooxdiisa Arsenal


Badheedhaha Wargeyska

Hargeysi Qashinka Mala Saaxiib-baa?

Magaalada Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland, waxa meel kasta oo aad marto ay indhahaagu qabanayaan qashin iyo gudaafad meel kasta tuulan, meel kastana daadsan.

Qashinkaasi oo marka laga tago dhibaatada iyo fool-xumada aan la qiyaasi karin ee uu u leeyahay magaalada waxyeelo weyn ku ah caafimaadka iyo saxada guud ee bulshada ku nool magaalada Hargeysa, taas oo ay waxyeeladu gaadhayso dadka oo dhan qof ahaan iyo qoys ahaanba.

Shaki kuma jiro in xilka ugu weyn ee qashin ka nadiifinta magaalada uu saaran yahay D/Hoose ee Hargeysa oo run ahaantii la odhan karo xilkaasi way ka gaabisay gudashadiisa, taasina waxay hoosaasin iyo hodadaamo ku keentay dadweynaha oo xilkaasi gebi ahaantiisaba ku haleeyay D/Hoose. Taasina maaha arrin sax ah mar haddii ay D/hoose dayacday xilkedii waxa looga baahnaa dadweynaha inay gutaan xilka ka saaran nadaafadda oo cid kastaba dan u ah.
Marka taa laga yimado waxa aad arkaysaa dadweynaha qaar ka mid ah oo halkii ay nadaafada ka qaybqaadan lahaayeen qashinka ku shubaya meel aan ahayn halkii loogu talogalay, taas oo sii kharibta xaaladda nadaafadda, maadaama qashinkii laga buuxiyay weelkii loogu talogalay hareerihiisa. Haddii uu qofku gartay inuu qashinka soo gaadhsiiyo goobta ay yaalan haamaha qashinku, waxay ila tahay inay nusqaan ku tahay inuu qashinka ku daadiyo haanta hareeraheeda.

Laakiin waxa iyaduna meesha ku jirta in dadweynaha ay taasi ku kellifto mararka qaarkood marka ay buuxsamaan haamaha qashinku, isla markaana la waayo meel wax lagaga shubo.

Nadaafadda oo aynu ognahay marka laga tago caafimaad ahaan iyo qurux ahaanba ahmiyadda ay u leedahay bulshada waxaynu ognahay qaddarinta ay diinta islaamku siisay ilaalinta nadaafadda iyadoo uu Nebigu SCW ku tilmaamay inay ka mid tahay iimaanka.

Sidaa darteed, waxa lagama maarmaan ah in dawlad iyo shicib-ba la iska kaashado sidii looga dhigi lahaa magaalada mid nadiif ah oo indhaha iyo caafimaadkaba u fiican.

Waxa taasi sii adkaynaya iyadoo uu fooda inagu soo hayo xilli-roobaadkii oo aanay haboonayn inuu bilaabmo iyadoo uu qashinku magaalada tuulan yahay goob kasta.

Guntii iyo gebogebadii qashinku wax la dugsado maahee Hargeysi ma la saaxiibaa?

Top


Aqoon-Is-Weydaarsi Xakameynta Cudurrada Galmada Laga Gudbiyo Oo Lagu Soo Geba-Gebeeyay Boorama

Boorama (Haatuf): Aqoon-isweydaarsi ku saabsan daaweynta iyo xakamaynta xannuunada Galmada la isugu gudbiyo (Syndromic Management of Sexually transmitted Infections), ayaa maalintii dorraad loogu xidhay magaalada Boorame, 30-qof oo shaqaalaha Caafimaadka ee Degmada Boorame, isuguna jiray Dhakhaatiir iyo Kalkaaliyayaal, waxaana lagu qabtay xarunta Caafimaadka ee Gobolka.

Siminaarkan oo socday Saddex cisho, waxaa maal-gelisay Hay’adda ICD, waxaana duruus ka bixiyey Dr. Cabdirashiid Xaashi Cabdi oo ka tirsan Hay’adda ICD.

Sida uu Haatuf u sheegay Dr. C/rashiid Xaashi Cabdi, xidhitaankii xafladaas waxa hadalo kooban ka jeediyay Isu-duwaha Caafimaadka ee Gobolka Awdal, Dr. C/raxmaan Jaamac Xadi, kuna guubaabiyey ka qayb-galyaashii Siminaarkaas in ay bulshada uga faa’iideeyaan duruustii ay halkaa ku barteen.

Top


"15-Milyan Oo Qof Ayaa Dhiman Doonna Cudurka Qaaxada Ilaa Sannadka 2015"

Xasan O. Xagaa - Boorama TB Program 

Xanuunka qaaxadu waxa uu ka mid yahay xanuunada ugu faafidda badan dunida wakhtigan oo isla markaana dabada ku wata anuunno kale haddii uu qofka qaaxada qabaa aanu helin daaweyn ku filan . Culimada sayniska oo adeegsanaya dhakhaatirta ugu khibradda dheer leh ayaa waxay sheegeyaan in haddii la hakin waayo xawliga uu kusocdo cudurka TBdu ay dhici doonto inuu galaafan doono malaayiin qof sanadaha soosocda, xanuun kaasoo weliba adeegsanaya xanuunka kale ee dunida welwelka ku haya daawadana loola'yahay ee HIVlAIDSka.Culimadaasi sayniska oo la shaqeeya hay'adda adduunka u qaabilsan caaffimaadka ee WHO waxay saadaaliyeen in dalalaka soo korayaa ay yihiin kuwa khatarta ugujira in dadkoodu u dabar goo' xanuunadaasi is huwan maadaama anay haysan daaweyn ku filan iyo dhaqaale ay kaga hortegaan xanuunadaasi.Inkastoo dalalka soo korayaayi u barteen dhibaatadaasi xanuunka qaaxadu ku hayo ,waxase iyagu dhawaan uun ku bararaarugay dalalka horey uga maraya dhinaca dhaqaalaha .Waxa dhawaan ay bilaabeen deraasado ay iska kaashadeen hay'adda WHO iyo hay'adaha caafimaadka u qaabilsan dalalkaasi kuwaasoo ka argagaxay xawliga ay ku socdaan labadaa xanuun. Waxaykhubaradaasi sheegeen in caalamku uu hayo daaweyn iyo adeegyo ku filan sidii dadka haataan ay hayaan xanuunadaasi ay ugasoo rayn lahaayeen hase yeeshee dadka bukaanka ah laftooda ayaa lagala kulmay dhibaatooyin ku waajahan sidii loo daaweyn lahaa.

Waxay sheegeen khubaradaasi in dadyowga ku nool dunida soo koreysa ama kuwa faqiirka ah ee xanuunadaasi ku dhaceeni aanay dawooyinka sidii loogu talagalay u qaadan oo ay u googooyaan ,isla markaana ay kusii bateen waxyaalaha laga qaado qaaxada ama xanuunka TB,da sida sigaarka oo kale khamriga iyo wixii la mid ah iyadoo dhaqaalaha lagu bixinayo daawooyinkaasiay yihiinkuwa malaayiin Doolar gaadhaya .Sidaa darteed ayey khubarada caafimaadka adduunku ku talinayaan in daawooyinka loo googoynayaayi noqon karin kuwa wax ka tara xanuunada loo qaadanayo.Dalkeena oo ka mid ah dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ayaa haatan hay,adaheeda caafimaadku doonayaan inay wacyigelin la xidhiidha ka hortegga cuduradaasi inta anay gaadhin daaweyn.Sidaa darteed ayaa waxa kale oo wacyigelintaa dheer in dadka bukaanka ah lagu waaniyo daawada sidii ay u qaadan lahaayeen una yarayn lahaayeen isticmaalka waxyaalaha ;laga qaado xanuunadaasi is huwan waa HIV/AIDSka iyo qaaxada ama TB,da ,si daawooyinka qaaliga innagu ah anay u noqon mid khasaarta ama qofka bukaanka ah waxba aan u tarin. 

Hasan O. Hagaa Borama TB Prograamme 

Top


Eng Axmed Biixi Oo Ka Digey Khatarta Qashinka Ay Shirkado Shisheeye Ahi Ku Daadiyaan Xeebaha Somaliland

Wareysi Khaas Ah

Hargeysa (Haatuf): Eng Axmed Maxamed Biixi oo ah khabiir ku xeel dheer macdanta iyo biyaha, ayaa ku eedeeyay Shirkaddo Talyaani iyo Switzerland ah in ay qashin ku daadiyeen xeebta badda Somaliland.

Eng Biixi, sidaa wuxuu ku sheegay Wareysi uu shalay siiyay Weriyayaal ka tirsan Wargeysa Haatuf, oo uu ugu waramay Hoteelka uu degan yahay ee Maaweel Hotel ee ku yaalla magaalada Hargeya, isla markaana wuxuu Eng Biixi weriyayaasha ka socda Haatuf tusay sawiro muujinaya caddeymaha uu hayo oo ka markhaati kacaya qashinka lagu daadiyay xeebaha Somaliland.

Inj. Biixi, wuxuu wareysigaas kaga waramay shirkaddo ay dhawaan Dawladda Somaliland la gashay heshiis, laakiin ay dad reer Somaliland ah oo daba-gal ku sameeyay beeniyeen, hase yeeshee waxa uu marka hore ka waramay dhibaatada iyo sunta lagu daadiyay badda. Isagoo arrintaa ka hadlaya Injineerku, wuxuu yidhi; "Dhawr jeer oo aan safaro ugu baxay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, waxaan arkay warbixino lagaga hadlayo khatarta qashinka lagu daadiyo baddeena." Laakiin Inj Biixi, waxa uu sheegay in aanay khatartu ahayn badda oo keliya, balse ay dhibaatadu saamaynayso cimilada badda iyo berigaba, waxaanu intaa raaciyay inuu dhawaan socdaal ay ku isaga iyo niman carabi ahi ku tageen xeebaha bariga Somaliland, ay ku arkeen biyaha badda oo wasakhoobay, isla markaana isu bedelay midabo, kadibna ay halkaa ku arkeen Kalluun iyo xayawaano kale oo badda ku jiray oo dhintay.

Hase yeeshee Inj Biixi, waxa uu sheegay markii ay waxyaabahaa arkeen uu sawiro iyo biyaha badda ka qaaday goobtii, isagoo sheegay inuu muddo kadib geeyay meelaha wax lagu baadho ee dalka Maraykanka, halkaas oo ay ka heleen natiijadii baadhitaankaa oo noqday qashin sun ah oo lagu shubay badda, oo ay kalluunkiina ku dhinteen. 

"Sida ay Dawladda Nayroobi sheegtay, waxaan ogaaday in waxan ay ku jiraan ganacsato waaweyn oo lagu cuno Lacag badan oo malaayiin doollar ah," ayuu yidhi Eng Biixi, isagoo intaa ku daray in isbedelka cimiladu uu keenay xanuunnada ku batay dadkeena oo aan hore loo arki jirin. Waxa kale oo uu sheegay Injineerku, in deegaanka faro baas lagu hayo, taasina ay keeni karto 20 sanno kadib, in dhulkeenu noqdo saxare lama-degaan ah, sababtoo ah ayuu yidhi, "Waxa aad arkaysaa dhirta oo aad moodo in tiyariga sayniska inuu ka xoogga weyni keliyi noolaado meelaha dhirtu ka dabar-go’day, waxana ku bata tiinka iyo dacarta." Inj Biixi, isagoo hadalkiisii sii wata, waxa uu sheegay in ay jirto khatar dhinaca nabaad-guurka ahi oo u baahan in laga hor tago.

Eng Biixi oo la weydiiyay inuu hayo Shirkadaha dhibaatooyinkaas ku haya badda magacyadooda, waxa uu sheegay in lagu sheego shirkado, laakiin ay hay’adaha daba-gala nabaad-guurku ay marar badan u digeen, balse ay digniinahaa iska dhego tiraan, hase yeeshee loo baahan yahay in daba-gal iyo baadhitaan lagu sameeyay, laakiin ay shirkadahaasi u badan yihiin Talyaani iyo Swiss.

Mar la weydiiyay Eng Biixi, shirkaddo dhawaan ay Dawladda Somaliland heshiis la gashay oo sheegay in ay soo saarayaan Shidaalka, waxa uu ka ogyahay maadaama uu yahay khabiir dhinaca Macdanta iyo Batroolka ah, wuxuu sheegay in ay ahaayeen dilaaliin doonayay in ay dib u iib tegaan. Hase yeeshee, wuxuu sheegay inuu nin keliya ahaa waxa isu keen bedelayay ee shirkadaha badan iska dhigayay.

"Shirkadaha dunida Batroolka u qaabilsani, waa kuwo caana oo ay ka mid yihiin Chevron, Amoco iyo Conoco, mana aha kuwaasi kua qarsoomaya," ayuu yidhi Inj Biixi, wuxuuna intaa raaciyay oo uu sheegay in ay muddadii uu ahaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland uu xidhiidh la sameeyay shirkadahaa, balse ay ku xidhayeen mar walba nabadgelyada oo keliya. Laakiin Inj Biixi, wuxuu sheegay in aanay shirkaduhu keligood halkan imanayn, balse ay u baahan yihiin in lala xidhiidho oo loo tago.

Top


Golaha Wakiillada: Mudanayaashii Shoobareeyay, Kooramkii Buuxsami Waayey Iyo Wasiirradii Ka Huleellay

Hargeysa (Haatuf): Saddex xubnood oo ka mid ah golaha wasiirada Somaliland oo shalay hortegay fadhiga golaha wakiilada si loo ansixiyo ayey suurtagal noqon wayday in la ansixiyo, ka dib markii uu kooramku buuxsami waayey.

Saddexdaa xubnood waxay kala ahaayeen: Wasiirka arimaha gudaha, Eng: Ismaciil Aadan Cismaan, wasiir-kuxigeenka caafimaadka, Axmed Jaamac Samatar iyo wasiir-kuxigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha, Cawl Suldaan Maxamuud Shire, kuwaas oo xilalka loo magacaabay dhowaan, sidaa darteed aanu golaha wakiiladu weli ansixin, iyadoo uu sharcigu yahay in wasiirada madaxweynuhu magacaabo ay golaha wakiiladuna ansixiyaan.

Sida ay caadadu tahay ugu horayn saddexdan wasiir waxay soo fadhiisteen hoolka shirarka golaha wakiilada, iyaga oo hareer fadhiistay shirgudoonka golaha, ka dibna waxa madasha laga akhriyey mid walba taxanihiisa waxbarasho iyo waayo-aragnimadiisa shaqo, intaa ka dibna saddexda wasiir debedda ayaa looga saaray madasha, iyadoo uu dhaqanku sidaa yahay. Laakiin golaha wakiilada oo uu ku talogalku ahaa inay ansixiyaan saddexda wasiir ayey dhawr saacadood ku qaadatay intii ay sugayeen inuu kooramku buuxsamo, balse goor dambe ayuu buuxsamay, sidaa darteed shirgudoonka markii uu shirgduoonku u kaankaansaday inuu golaha u diyaariyo hawsha codaynta, isla markaana uu golaha u diyaar garoobay inuu u codeeyo wasiirada ayey mar qudha afar mudane kaddinka boobeen, taasina waxay kala dhantaashay kooramkii golaha oo mar kale qabyo noqday.

Afartaa mudane ee kaddinka boobay waxay magacyadoodu kala yihiin; Maxamuud Jaamac X. Cilmi, Ismaaciil Mire Maxamed, Maxamed Axmed Maxamed (Dhakool) iyo C/laahi Samaale, laakiin gudoomiye-xigeenka koowaad ee golaha wakiilada, mudane C/qadir X. Ismaaciil Jirde ayaa afarta mudane ee debedda u booday ugu horayn markii ay baxayeen ka codsaday inaanay bixin ee ay fadhiyaan, mar labaadkiina markii ay codsigiisa ismici waayeen ee ay albaabka ka baxeen ka daba tegay si uu u soo lad-qabeeyo, balse mudane Jirde kuma soo guulaysan inuu mudanayaasha madasha ku soo dabaalo, wuxuuna madashii ku soo noqday keligii, ka dibna waxa uu mudanayaashii madasha fadhiyey ka codsaday inay qadar muddo ah sugaan bal inuu kooramku buuxsamo, iyadoo ay fadhiga ka maqnaayeen mudanayaal badani, sidaa darteed la is lahaa bal inay tirada yar ee fadhida cidi ku so korodho si uu kooramku u buuxsamo. Hase yeeshee mudanayaashii madasha fadhiyey markii ay cabaar yar fadhiyeen ayey iyaguna iska kala dareereen, taas darteed waqti ayaa kale ayaa loo ballamay ansixinta wasiiradan.

Mudanayaasha debedda uga booday madasha oo fadhiga oo ay dadka qaar iswaydiinayeen waxa ay ka cadhoodeen ama ay ka boodeen ayay xubno mudanayaal ah oo wax laga waydiiyey waxa ay mudanayaasha shoobareeyey qoonsadeen ayaa ku tilmaamay inay tahay nooc ka mid ah "Kaambaynka dhaameel rux-ruxashada". Laakiin xoghayaha golaha wakiilada, Maxamed Xuseen (Mu’adinka) oo isagana la waydiiyey waxa afarta mudane ka boodeen ayaa sheegay inay afartaa mudane si badheedh ah uga baxeen madasha, iyadoo buu yidhi la isu diyaarinayo in cod la qaado, wuxuuna xoghayuhu intaa ku daray in marka cod la qaadayo aanu xeer-hoosaadka goluhu ogolayn inay cidi ka baxdo madasha fadhiga, hadii ay cidi si bdheedh ah isaga baxdana xeerka lagu qaadi doono. Waxa kale oo uu xoghayuhu sheegay in mudanayaasha iska maqnaaday laftigooda sharciga la marin doono.

Top


Maxaa loo joojiyey dhismihii dugsiga masalaha

Hargeysa (Haatuf): Dhismaha iskuulo cusub oo laga waddo xaafadda Masalaha ee madaarka Hargeysa u dhow ee waaxda Maxamuud Haybe ayaa shalay mar qudha la joojiyey, waxayna dadkii dhismihiisa gacanta ku hayey sheegeen in dhismaha dugsigaa la joojiyey duhurnimadii, iyadoo bay yidhaahdeen uu sibidhkii dhisku qoyan yahay oo hawshii gacanta lagula jiro, sida u sheegay af-hayeen u hadlay guddiga xaafadaa ee dhismaha iskuulka maamulayaa waxa dhismaha dugsiga la joojiyo amray wasiirka daakhiliga dawladda Somaliland.

"Hawshii oo socota oo uu sibidhkii qoyan yahay ayaa 12:00 duhurnimo amar joojin ah soo bixiyey wasiirka arimaha gudaha Somaliland"sidaa waxa yidhi afhayeenk guddigaa u hadlay, Axmed Maxamuud Hurre. Laakiin inkasta oo war rasmi ah laga soo saarin sababta dhismaha dugsigaa loo joojiyey, hadana warar wasiirka daakhiliga ku dhowdhow ayaa tibaaxay in sababta joojinta dhismaha dugisga lagu xidhiidhiyey muran ku saabsan dad bogcadda dugsiga laga dhisayo sheeganaya. Laakiin amarka joojintu waxa uu ka daba yimi amar hore oo ka soo baxay wasiir-kuxigeenka arimaha gudaha, Axmed Jaambiir kaahin, amarkaas oo lagu socod siiyey maayarka Hargeysa, ogaysiina la siiyey dhinacyo ay ka mid yihiin: Madaxweynaha, wasiirka arimaha gudaha, taliyaha ciidanka booliska, xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa, gudoomiyaha waaxda Maxamuud Haybe iyo qandaraaslaha iskuulkaa dhisayay, Muxumad Jees Aadan waxa uu dhigayaa in dhismaha dugsiga la fasaxo, wuxuuna amarka wasiir-kuxigeenku ka dambeeyey amar hore oo ay madaxda dawladda hoose ku joojiyeen dhismaha dugsigaa, iyadoo sababta joojintaasna lagu micneeyey dad sheeganaya bogcadda iskuulka laga dhisayo, wuxuuna qoraalkaasi soo baxay 3-dii Jananweri, 2003 oo ah doraad.

"Dhismaha dugsiga Masalaha waxa ku dhacay hantaaqooyin dhawr ah, taas oo had-ba meel laga joojiyo oo meel kale loo raro"ayuu wasiir-kuxigeenka daakhiligu ku yidhi qoraalka uu ku amrayo in la fasaxo dhismaha dugsiga xaafadda Masalaha, isaga oo qoraalkiisa ku xusay inuu dugsigu ka mid yahay masaaliixda danta guud ee ummadda, sidaa darteed uu mudan yahay in laga hor mariyo danaha gaarka ah. Laakiin wasiir-kuxigeenku qoraalka amarkiisa waxa uu ku sheegay inaanu amarkani keligii ka soo bixin, balse uu fulinayo amar ka soo baxay Madaxweynaha oo dhigaya in dhismaha dugsigaa la fasaxo.

"Aniga oo fulinaya amarka Madaxweynaha waxa lagu farayaa (Maayarka) in dhismaha dugsigaa loo fasaxo goobta laga joojiyey ee hadda laga dhisayo"ayuu yidhi wasiir-kuxigeenku. Laakiin wasiir-kuxigeenku isaga oo qoraalkiisa jawaab kaga bixinaya dadka la sheegay inay sheeganayaan bogcadda iskuulka laga dhisayo wuxuu yidhi "Ciddda dadweynaha ka mid ah ee goobtan wax ka sheeganaysa marka wixii sharci ah ee ay haystaan la hubiyo dhul halaga siiyo meel kale oo ku haboon marka dhul-bixinta la fasaxo."

Kulan-saxaafadeed ay odayaasha xaafadda Masaluhu qabteen horaantii toddobaadkan waxay si ba’an uga cawdeen joojinta dhismaha dugsigooda, isla markaana waxay weriyayaasha uga warameen dhibaatada ay iskuul la’aantu ku hayso, iyadoo aanay xaafadaasi haba yaraatee wax iskuul ah lahayn, taasina waxay keentay inay caruur badan oo xaafaddaas ahi iskuul la’aan u dayacan tahay.

Top


Shir-Madaxeedkii Midowga Afrika Oo La Soo Geba-Gebeeyay

Addis Ababa (W.Wararka) - Shir-madaxeedkii aan caadiga ahayn ee magaalada Addis Ababa uga socday madaxda dalalka Africa ayaa maalintii shalay la soo gebogebeeyay, iyadoo ay ka soo baxeen go’aano iyo war-murtiyeed koobaya wixii shirkaas lagu heshiiyay.

Sida uu war-fidiyeenka u sheegay xoghayaha guud ee ku meel-gaadhka ah ee ururka Midowga Africa (AU), Camaara Ciisa, bayaanka kama-dambaysta ah ee shirkaa ka soo baxay waxa la soo saari doonaa maanta, iyadoo lagu jiro isku-duba-ridkiisii, waxaanu intaa ku daray in bayaan kale oo gaar ah laga soo saari doono xaalada dalka Ciraaq iyo mawqifka ay ka qabaan dalalka Afrika.

Isagoo ka hadlayay shirka waxa uu sheegay inay ka soo qaybgaleen 34 ka mid ah Madaxda dalalka Afrika iyadoo lagaga hadlay xaaladaha guud ee dalalka Afrika dhinacyada Siyaasadda, dhaqaalaha iyo colaadaha ka taagan dalalka Ivory Coast, Burundi iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Maalintii shalay ayay Madaxda Afrika yesheen shir gaar ah oo ay kaga wada-hadleen dib-u-habaynta xeerarka ururka cusub ee midowga Afrika, kaasi oo qaatay muddo 45 daqiiqadood ah, waxaana muuqata in is-afgarad laga gaadhay iyadoo ay meesha ka baxeen cabsi laga qabay in khilaaf arrintaa ka dhasho. Sida lagu wado Madaxda Afrika waxay taageereen dedaalka nabad-ilaalineed ee uu Faransiisku ka wado Ivory Coast.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Thabo Imbeki oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa si gaar ah ugu baaqay in Afrika ay yeelato gole qaabilsan ammaanka oo xaliya dagaalada ka dhaca qaaradda. Sidoo kale waxa uu ka digay inay qaaradda soo food-saareen dhibaatooyin dhinaca degganaanshiiyaha ah, taas oo uu sheegay inay khasbayso samaynta gole ammaanka qaabilsan.

Shir-madaxeedkan oo ah kii ugu horreeyay ee ay ku kulmaan Madaxda Afrika, tan iyo markii sannadkii hore la beddelay ururkii OAU, waxa lagu tilmaamay in ay horyaalaan carqalado waaweyn oo u baahan wax ka qabasho deg-deg ah.

Top


Ra’iisal-Wasaaraha Ingiriiska Oo Faransiiska Ku Qancinaya In Weerar Lagu Qaado Ciraaq

Paris (W.Wararka) - Ra’iisal-wasaaraha dalka Ingiriiska Tony Blair oo haatan booqasho ku jooga dalka Faransiiska ayaa shir la yeeshay Madaxweynaha dalka Faransiiska Chack Chirac oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka Ciraaq.

Ra’iisalwasaaraha Ingiriiska oo dedaal ugu jira inuu dalalka caalamka ka dhaadhiciyo mawqifka ay Maraykanka iyo Ingiriisku ka taagan yihiin xaaladda dalka Ciraaq ayaa lagu wadaa inuu Madaxweynaha Faransiiska isku dayo sidii uu uga dhaadhicin lahaa weerar lagu qaado Ciraaq, taas oo uu Faransiisku si weyn uga soo horjeedo.

Dawladda Faransiisku marar badan ayay ku cel-celisay sida ay u diidan tahay in xoog loo adeegsado xaaladda Ciraaq, taas oo uu ku taageersan yahay Dalka Jarmalka, taasina waxa ay iska horkeentay siyaasadaha dalalka reer Galbeedka.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa sheegay inay dawladdiisu dedaal ugu jirto xal u helidda mushkiladda Ciraaq in lagu dhammeeyo si nabadgelyo ah, iyadoo dagaal ka dhaca Khaliijka ku tilmaamay mid halis weyn leh, waxa kaloo ay Dawladda Faransiisku shaki ka muujisay eedaynta Ingiriiska iyo Maraykanka ee ah inuu dalka Ciraaq xidhiidh la leeyahay Al-Qaacida.

Top


Maraykanka Oo Golaha Ammaanka Hor-Dhigaya Caddeymo Hubka Ciraaq Ah

New York (W.Wararka) - Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Maraykanka ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Colin Bowel uu golaha ammaanka soo hordhigi doono caddaymo ku wajahan hubka halista ah ee ay haysato Dawladda Ciraaq, kulanka maanta lagu wado in golaha Ammaanku ka yeesho xaaladda dalka Ciraaq.

Colin Bowel oo arrintaa ka hadlayy aya sheegay in ay ujeedada ay arrintan ka leeyihiin ay tahay sidii ay caddaymo lagu qanco u soo hordhigi lahaayeen golaha Ammaanka oo ka doodaya arrinta Ciraaq iyo sida ay Dawladda Ciraaq beenta uga sheegayso xaqiiqada ku wajahan hubka halista ah ee ay haysato sida uu ku dooday.

Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo uu sii kordhayo muranka u dhaxeeya dalalka waaweyn ee ku wajahan xaaladda dalka Ciraaq, iyadoo ay u kala baxeen dalal taageersan weerar lagu qaado Ciraaq iyo qaar ka soo horjeeda.

Dawladda Ciraaq ayaa dhinaceeda iyaduna shaki weyn ka muujisay caddaymaha uu Maraykanku sheegay inuu soo hordhigayo golaha Ammaanka, taas oo ay ku tilmaameen in ay ujeedadeedu tahay sidii uu Maraykanku qiil ugu heli lahaa weerarka uu damacsan yahay inuu ku qaado Ciraaq.
Sidoo kale, waxay sheegeen mas’uuliyiinta Ciraaq in aanu Maraykanku marnaba haysan wax caddaymo ah oo lagu qanci karo.

Top


Sadaam Xuseen Oo Beeniyay Eedaynta Ah Inuu Xidhiidh La Leeyahay Al-Qaacida

Baqdaad (W. Wararka): Madaxweynaha dalka Ciraaq, Sadaam Xuseen, ayaa beeniyay inuu wax xidhiidh ah la leeyahay ururka Al Qaacida, isagoo u waramayay Telefiishanka Ingiriiska ee la yidhaahdo Channel 4, maalintii shalay.

Sadaam Xuseen, waxa uu intaa ku daray in haddii uu dalkiisu cilaaqaad la leeyahay Al Qaacida aanay ka gabadeen in ay sheegaan oo ay shaaca ka qaadaan.

Wareysigan oo uu la yeeshay Siyaasiga garabka bidix ee u dhashay Ingiriiska Tony Pin oo uu ku qaabilay mid ka mid ah Qasriyada Madaxtooyadda Ciraaq ee Baqdaad, waxa uu intaa ku daray in aanu dalkiisu haysanin wax hub ah oo halis ah, isla markaana waxa uu ku eedeeyay Maraykanka iyo Ingiriiska in ay u tafa-xaydan yihiin sidii ay u qabsan lahaayeen Saliidda uu hodanka ku yahay gobolka Bariga Dhexe.

Sadaam oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sheegay, sida ay uga go’an tahay dawladiisa ku dhaqanka Qaraarkii 1441 ee ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kana hadlayay baadhitaanka hubka halista ah ee dalka Ciraaq lagu tuhunsan yahay, isla markaana waxa uu cadeeyay in aanay iyagu ku dhiiranayn dagaal dhaca, balse ay sharaftooda iyo karaamada qarannimadooda daafici doonnaan, haddii la soo weeraro.

"Siyaasadda ay ku socoto Dawladda Maraykanka ee uu Madaxweynaha ka yahay George W. Bush, kama shaqaynayso maslaxadda shacbiga Maraykanka iyo ta Caalamka midna, iyadoo ay Siyaasadda Maraykanka raadeeyn weyn ku leeyihiin Sahnuuniyadu," ayuu yidhi Sadaam Xuseen.

Dhinaca kale, Sadaam Xuseen, waxa uu maalintii shalay qaabilay Hogaamiye-yaasha ciidamada oo ay ka mid yihiin; Qusey Sadaam oo ah wiilka curad ee uu dhalay Sadaam Xuseen, madaxna ka ah Ciidanka Xaaris Al Jamhuuri la yidhaa iyo inankiisa kale ee Cudey oo isna madax ka ah Ciidamada Naftooda Hurayaasha Sadaam iyo madax kale, kuwaas oo uu kala hadlay u diyaar-garowga sidii ay Ciraaq iskaga difaaci lahayd, haddii weerar ay ku soo qaadaan Xulafada Maraykanku.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Ina Gaaxnuugow Faysal run buu toosh ku qabtay

Ha ii horreyee siyaasaddu waa xaqiiqda oo lagu dhaqdo laguna dhisto, 
Mudane Gaaxnuug haddii ay damaqday ragga uu Faysal yidhi xidhiidh baan la samaynayaa waxad mooddaa in uu ka ursaday hadalka Faysal halkii uu isagu jeclaa, waxayse runi tahay, nin aan iba aqoonsanayn oo diidan jiritaankayga oo la yidhaa Jama Ali jama haddii aan hoosta soo gashado ciidammadiisa oo hubaysan waxan halis u ahay inan mas korsanayo hadhow iqaniini kara. waxaan si cad walaalkay ugu sheegayaa in uu hadalka faysal ahaa hadal miisaaman oo ku fadhiya xaqiiqada Somaliyi maanta taagantahay. 

Yalaxow, caydiid iyo RRA waxay qireen inay reer somaliland xaq u leeyihiin inay ka tashadaan masiirkooda, kuwa majeertenia ku loollamayaase ma ogola taas, haddaba faysal waxannu kula soconnaa xaqa reer Somaliland u leeyihiin oo uu haadda ka ilaaliyee haddii uu runta sheego , dadka ma dishee way ka nixisaa uun, aduuse haddii aad tahay muwaaddin reer Somaliland ah miyaad raalli ka tahay in nin aan ku qirsanayni gurigaaga qol ka soo galo walaalkii oo eryana, General Cadde iyo ciidamadiisu waa halis ay waajib tahay in si degdeg ah looga saaro dalka. 

Midda siyaasadda ee aad sheegtay Faysal isaga ayaa macallin ah oo loo baahan yahay in laga barto sida runta laysugu sheego, looguna hoggamiyo qaran waxa ay tahay xaqiiqada jirtaa, siyaasadduna waa school leh maaddado iyo beero kala duwan, Faysal tuu wataana waa ta casrigan inna dhiqi doonta waayo dad muslin ah waa loo dhaamaa been la maldoho, haba adkaatee run lagu dhaqaa ka roon. 

Ragga macallimiinta ah aad tilmaamayso maxaad ugu dari weyday Riyale, Fagadhe, Gees, iwm. meeshu waa gole qaran waa dan guud e maaha sidaad u dhigtay saaxiib.

Cali A. Cawaale 
London UK

Top


WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA Muxuu KOLBA DIB UGU DHIGAYA IN LA DOORTO DUQA MAGAALADA HARGEYSA

Waxaa wax laga xumaado ah dib u dhigista macno la'aanta ah, ee kolba wasiirka arrimaha gudaha somaliland u dib u dhigaayo in la doorto Duqa magalada Hargeysa. 

25 Xubnood ee la yidhi waxaa soo doortay dadweynaha reer Hargeysa, ka dibna waxa ay iska soo dhex saari doonan Duqa Magaalada Hargeysa xagay qabteen. Demoqoraadiyadii aynu higsanaynay, ee aynu xubnaha ku soo dooranay, inagoo doonayna in aynu madaxweyne iyo barlamaan ku soo doorano, ma wax isku fooqsaday wasiirkan gudaha.

Hadaba, Wasiirkan arrimaha guduhu xageed wax u waada? Waa markii 4aad/5aad ee aad dib u dhigto arrinka. Ma wixii aynu islahayn ka gudba ayaad dib inoogo celisay oo aad doonayso dadka in aad ku sandulaysid.

Mohamoud Adagude
Holland

Top


IRMAANTA SUUGAANTA 

A. DUCAALE

Jawaahir Aadan Cashuur fanaanad

"Fanaaniintu dhaqaale ma haystaan, taasina duruuf keentay inay fanaaniinta Somaliland ama guud ahaan Somalidu noqdaan kuwo dayacan"sidaa waxa tidhi fanaanada la yidhaahdo Jawaahir Aadan Cashuur oo ka mid ah fanaaniinta reer Somaliland oo hadda degan magaalada Hargeysa, waxayna Jawaahir sidaa ku sheegtay waraysi uu toddobaadkan la yeeshay wargeyska Haatuf.

Jawaahir waxay fanka ku dhex jirtay muddo dhawr iyo labaatan sannadood ka badan, waxayna qaadday heeso door, isla markaana waxay ka qayb gashay riwaayado dhawr ah.

Jawaahir waa fanaanad da’yar marka loo eego hablo badan oo ka mid ah beesha fanka, laakiin waxay hiddo faneed, waayo aabeheed Aadan Cashuur ayaa fanaan ahaa, isla markaana waa fanaanad cod baxsan (Luuq macaan).

Hase yeeshee Jawaahir inkasta oo ay markii u horaysay fanka kaga biirtay magaalada Boorame oo ay dhalasho ahaan ka soo jeeddo, hadana waxay muddo badan ka mid ahayd kooxaha fanaaniinta dalka Jabuuti. Laakiin Jawaahir ugu horayn, iyadoo ka waramaysa sidii ay fanka ku soo gashay iyo halkii ka bilowday waxay tidhi "Horta aabahay ayaa fanaan ahaa , wuxuuna ka mid ahaan jiray kooxdii la odhan jiray walaalaha Hargeysa, markii dambena waxa uu ka mid ahaa kooxdii waaberi, isaga oo qaabilsanaa ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka. Sidaa darteed aniga oo yar oo saddex iyo meelahaas ah ayuu I bari jiray ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, sida saylicida oo kale, markaa maadaama uu aabahay fanaan ahaa waan ka hiddo raacay dhinaca fanka, taas darteedna markii aan iskuulka ku jiray waan hees-heesi jiray oo waxaan qaadi jiray heesaha khadro Daahir oo kale, laakiin markii u horaysay sannadkii 1980-kii ayaan aniga oo jooga Boorame ku biiray kooxdii la odhan jiray janaral Daa’uud, aniga oo qaaday hees jacayl ah, balse kooxda kuma aan raagin, oo waxaan u wareegay Xamar, waxaanse sannadkii 1982-kii tegay Jabuuti, waxaana ka mid noqday koox fanaaniinta reer Jabuuti ah oo la yidhaahdo Gacan-mataan, ka dibna waxaan wax ka jilay riwaayad la odhan jiray "Saddex baa isu faantay", aniga oo ahaa heesaaga labaad ee riwaayadda, taas oo ay heesaaga koowaadna ahayd fanaanada Nimco Jaamac, kooxdaasna waxaan ka mid ahaa muddo 16 sannadoo ah."

Jawaahir waxay sheegtay in mudadii ay fanaanada ahayd ay wax ka soo jishay riwaayado dhawr ah iyo xataa filimo iyo weliba googoosyo kala duwan, kuwaas oo inta badan laga dhigay magaalooyinka Jabuuti iyo Hargeysa. Hase yeeshee Jawahir mar la waydiiyey mudadii ay fanka ku jirtay bal inta heesood ee ay qaaday waxay tidhi "Waxaan qaaday inka badan dhawr iyo soddon heesood", laakiin mar la waydiiyey heesta ay ugu jeceshahay heeseheeda waxay tidhi "Heesta aan ugu jeclahay waxa la yidhaahdaa Raq-ba waa raggeed, reer-ba waa ninkii oo ku jirtay riwaayadda la odhan jiray Saddex baa isu faantay."

Jawaahir mar la waydiiyey abwaanka heeseheeda ugu badan sameeyey waxay tidhi " Abwaanka heesahayga ugu badan sameeyey waxa la yidhaahdaa Xasan Cilmi Yalaxow oo heesahayga leh laba meelood oo meel, laakiin heesahayga inta kale waa qubane, waxaana dhawr heesood sameeyey abwaanka Xasan Gannay oo ah abwaan aan heesihiisa aad u jeclahay". Hase yeeshee Jawaahir waxay sheegtay inay heeseheeda in badan oo ka mid ah keli-keli u qaaday, halka ay qaar kalena ay lamaane ahaayeen oo rag la qaaday. "Fanaanka Cabdi Nuur Allaale ayaa ka mid ahaa wiilasha aan heesaha la qaaday"ayey tidhi Jawaahir. 

Jawaahir Aadan Cashuur waxay leedahay Alban heeso ah, laakiin iyadoo tilmaamaysa heesihii u dambeeyey ee ay qaaday waxay tidhi "Heesahaygii u dambeeyey waxa mid la yidhaahdaa "Doobir" iyo ta kale oo la yidhaahdo "Daallo & Sheekh", waxaana sameeyey Xasan Ganay."

Fanaanada Jawaahir Aadan waxay sheegtay inay door bidayso inay sii waddo mihnadda fanka, laakiin waxay farta ku fiiqday duruufo ku gudban, kuwaas oo ay tilmaantay inay caqabad ku noqon karaan sii wadada mihnadeeda fanaanimo. Hase yeeshee duruufta caynkaas ahi waa mid guud ahaan haysata bah-weynta fanka guud ahaan kuwa Somalida, gaar ahaana kuwo reer Somaliland, balse Jawaahir Aadan, iyadoo ka waramaysa duruufaha iyo waayaha waqtigan xaadirka ah ku gedfan beesha fanka waxay tidhi "Runtii waan jecelahay inaan mustaqbalka sii wado fanka, laakiin wax weyn baa igu gudban", laakiin Jawaahir, iyadoo tafsiir ka bixinaysa waxa ku gudban waxay tidhi "Horta wadanku wuu burburay, taasina waxay qayb ka tahay duruufaha fanaaniinta haysta, ta kale fanaaniintu dhaqaale ma haystaan, sharci ma laha, sidaa darteed heesahooda cid waliba way biliqaysataa, mana jirto cid ka iibsata albanada heesaha ah ee ay sameeyaan, waayo ciddii doontaaba si hawl yar bay u helaysaa, ta kale xataa ma haysano hoy iyo meel aanu fanka ku hdigno, isla markaana ma jirto cid fanaaniinta gacan siisaa, taasina waxay keentay inay fanaaniinta Somalidu guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Somaliland dayacmaan oo ay ka duwanaadaan fanaaniinta kale ee qayrkood ah ee dunida, waayo tusaale ahaan Itoobiyada intaa inoo jirta hadii uu qofka fanaanka ahi hal albam oo qudha sameeyo dhiisha fakhriga ayuu tuuraa."

Marka laga yimaado dhibaatooyinka kor ku xusan ee ay fanaanada Jawaahir Aadan Cashuur ka sheekaysay waxa kale oo iyana ka mid ah dhibaatooyinka muddooyinkan ku soo kordhay hiddo-samida suugaanta iyo fanka dhallan-rog fool-xun oo lagu samaynayo asalkii heesihii ay fanaantii hore qaadeen, taas oo ay kooxaha dhalinyaro ah oo u badan dhinaca qurbaha ay sida ay doonaan u calaliyeen heesihii ay fanaantii hore qaadi jireen, laakiin Jawaahir mar la waydiiyey bal inay iyada lafteedu marna ku dhaqantay dabeecadda caynkaas ah iyo weliba sida ay u aragto waxay tidhi "Horta anigu weligay marna ma qaadin oo ma duubban hees fanaan kale leeyahay, heesaha aan qaadana waa kuwii aan asalkooda lahaa, runtiina bililiqaysiga fanku waa arin fool-xun, waxayna ka mid tahay dhibaatooyinka fanka iyo fanaaniinta haysta."

Top


Food-Saaro (Gabay)

Cabdi Caaro-Dhuub

Inkastoo ilaah baa faxane, uu u fududeeyey.
Foolaadka geelee curtiyo, faras ugaadhow ah.
Foosiya iyo hablaha soo kacee, fiigo cararaaya.
Iyagab faro rag iyo soo lis, baa fuulimaad baraye.
Fankuna hawl yaraan kuma imane, faashtaraa dhalaye.
Fekerkiisu nimankuu ku dhacay, ee feedhka ka idleeyey.
Raggii falagta kow kaga unkay, feedhay ee soohay.
Falanqaynta geeraar heloo, waa fac-weyn yahaye.
Maansadana gabaygaa fadhiya, fiiqda ugu dheere.
Markii fool ujeed sii socdaa, farac u sheekeeyey.
Filkastaaba kii xigay naxwaha, faydka uga qaaday.
Anigana fahmada aabahay, oo fidiyey ii sheegye.
Fa’da raagihii luuq ku daray, Faarax iyo Qawdhan.
Fartii codday ma waayiyo, Aflow firinbigii Yawle.
Laanjeer falaaguu dhidbay, faramihii Xiiray.
Qamaamkii murtida soo fasiray, filimadii Daahir.
Faddalo iyo Gamuute, iyo Nuur Caliyadii foofshay.
Kuwii uu xaleef fuudhiyiyo, timacadii faaday.
Seyidkii figlayn jiray, Ishee faylka qabad siiyey.
Salaan oon cid kula faylantaa, fool ku dhalan doonin.
Hadraawiga sidii webi fataha, keenay filanwaaga.
Baylihii falaadka u ahaa, gabay fagaaroodka.
Faynuuska nimankii u shiday, faade oo tage’e.
Afartaa fogayn iyo furin, dalaaqeed dheh.
Ficil koonfurtii lagu rariyo, Xamar fogaynteed dheh.
Feker qaranku uu ila qabiyo, fan iyo luuqday dheh.
Cabdi hadalka oo lay fasaxo, farac kastuu yeesho.
Wuxu yidhi farxadi way dhan tahay, igu filaataaye.
Dabadeedna wuu la fidda baxay, u fidh-gareeyaaye.
Anaan Cali Madoobow furfurin, feedhihiyo iyo laabta.
Hadaan hadal faruurtiyo, ka dayo foolashoo keliya.
Aan felegga ii muuqday iyo, faalka baxay sheego.
Fajac loxos markaan, faaqid kala daalay.
Aan faraha moorada, geshee faalka baxay sheego.
Waa nacay god saxal, fadhiyuu fuushanaa xalaye.
Fuulkaanihii Yurub ka dhacaa, fiintu oloshaaye.
Feejigo iyaba waa qabtaa, waa fariin ciduye.
Ninna haduu fudayd soo watiyo, fagadh inuu boodo.
Foodhyaanka horaad qoonsataa, foodhi-foodhida’e.
Farta boogta saarani, wax kalay fagagsanaysaaye.
Feejigo daraantuna ka darran, fal iyo haydaare.
Rag allow falaadhaa la ganee, idinku soo fool leh.
Fuqa sare halkay mudan lahayd, filashadeed yeesha.
Anoo faaruq maalkii ka dhigay, oo fooqyadii dumiyey.
Rag fadhoocidii aan gatiyo, inamadii faytay.
Fafax-dhuun maxaa igu wadiyo, cid I fanaynaysa.
Fedda-bida Somaliland cidi, fogayn mayso.
Fadliga Maxamed calankaan ku dhigay, far iyo tawxiidka.
Faranjigu haduu diidan yahay, faasuq iyo gaalo.
Fekrad niman lahayn bay la tahay, waad fashilanteene.
Fiitooda eebaa ka weyn, waana fulayaaye.
Figta sare hadii aan ku xidhay, soo furfuri maayo.
Faataxada ciidaan u maray, Faadin iyo daaha.
Fatxadii makiyo iila siman, furashadii Shaame.
Gobanimada waaniga fadhiya, faramahaygiiye.
Inta aan firays maalin dhigo, faramadhnaan maayo.

Top


Taariikh Nololeedkii C/laahi Sulddaan Timacadde

Alla ha u naxariistee C/laahi Suldaan Timacadde oo ahaa abwaan dhinaca gabayada ku caan ahaa, meel weyna kaga jira taariikhda Somaliland gaar ahaan iyo guud ahaan taariikhda Somalida waxa uu sannadkii 1920-kii ku dhashay meesha la yidhaahdo Galoolay oo ka mid ah degaamada Gebilay, wuxuuna qoyskoodu ahaa beeralay.

Timacadda waxa uu yaraantiisii tumi jiray ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, wuxuuse aakhirkii noqday gabyaa caan ah oo aad looga yaqaan degaamada Somalida ee bariga Afrika, hase yeeshee waxay gabayadii aad u caan baxeen sannadihii kontamaadkii ilaa lixdamaadkii xiligaas oo ay guud ahaan dadyowga Somalidu, gaar ahaana dadka reer Somaliland ku jireen dhaqdhaqaaqyadii gobanimodoonka, wuxuuna C/laahi Suldaan Timacadde tiriyey gabayo badan oo gobanimodoon ah iyo kuwa wadaniya.
Alla ha u naxariistee C/laahi Suldaan Timacadde waxa uu geeriyooday sannadkii 1973-kii bishii Febarweri- 6-deedii oo hadda laga joogo muddo 30 sannadood ah, taas oo ay sannad-guuradii 30-naad ee dhimashadiisu ku began tahay lixda Jananweri ee berito.

Lama soo koobi karo gabayadii uu C/laahi Suldaan Timacadde tiriyey, laakiin maanta waxaanu halkan ku soo qaadanay gabaygii caanka ahaa ee "Dugsi ma leh qabyaaladi waxaya dumiso mooyaane".

Gabaygaas oo aanu qoraalkiisa ka soo xiganay Shabakadda Shunuuf . Tripod . Com. Oo ah Shabakad lagu ururiyey kumanaan suugaanta Somaliland iyo guud ahaan suugaanta Somalida ah oo kala duwan, iyadoo hadii aad shabakadaa booqato aad kala kulmayso jawaano suugaan kala duwan ah, hadii ay tahay Gabayo, geeraar, Heeso, maahmaahyo IWM. Laakiin waa kan gabaygii "Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane".

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 – 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 81aad

Mingistu: Birhaanu Masqal waxa uu ii soo qoray qoraal muujinaya, isaga oo aan qof daciif ah iska dhigin, isla markaana aan karaamadiisa hoos u dhigin, iskana dhigin qof iga hooseeya oo aan mudane iyo wax la mid ah toona igu odhan oo weliba is qaad-qaadaya, isla markaana muujinaya inuu yahay qof isku kalsoon ayuu ugu dambayntii qoraalkiisa ku soo khatimay ereyo odhanaya "Halay cafiyo". Sidaa darteed waxay ila tahay inuu ahaa nin ka xumaaday dhiigii daatay iyo xasuuqyadii dhacay iyo khaladaadkii ay IHABA samaysay. Dabadeedna markii ay waraaqdii uu ii soo diray I soo gaadhay geeridiisii ka dib aad baan uga xumaaday.

Ganat: Birhaanu Masqal ma ciidamadaa dilay?

Mingistu: Maya, waxaa dilay dadkii beeralayda ahaa, waayo berigaa meel walba waxa lag sameeyey ciidamo maleeshiyaad ah, markaa kuwaa ayaa dilay Birhaanu, waxaana lagu dilay meel Wallo dhexdeeda ah, iyagoo markii ay arkeen waydiiyey su’aalo ay ka mid yihiin: "Kumaad tahay iyo maxaad tahay", ka dibna waxay ogaadeen inuu Birhaanu masqal yahay, wayna dileen, laakiin xaaskiisa oo la socotay waxay iswaydiiyeen sidii ay ka yeeli lahaayeen, iyaga oo ka tashanaya inay dilaan iyo inay iska daayaan, ka dibna waxay aakhirkii yidhaahdeen "Maya gabadha inaga dhaafa, waayo way lamaan tahay."

Waxayna dadku lahaayeen nasiib ayey leedahay hadii ay ka badbaaday kuwii ninkeeda dilay iyo naag adag ayey ahayd. Tusaale ahaan xubno IHABA-da lafteeda ka tirsan ayaa ku dooday ama soo bandhigay su’aalo ay ka mid yihiin: "Horta waxa aynu doonaynaa muxuu yahay, ilayn la wareegiddii dhulkana waa tii la ansixiyey oo inaga oo qudha ayaa diidnay oo gooni uga baxnay dadka, ta kale marka laga arinta go’itaanka Ereteriya iyo shirarka aynu ka qayb galno waxaynu sidanaa oo la taagnaa mawqif daciif ah, markaa waa in arinta caynkaas ah wax laga bedelaa". Laakiin kuwaa aragtida caynkaas ah soo jeediyey waxa qaarkood dilay isla kooxihii kale ee IHABA-da ahaa, sidoo kale intii ka soo hadhay kuwa la laayey iyaguna way falaagoobeen oo anaga ayey nagu soo biireen. Sidoo kale kuwii kale ee soo hadhay inta talaabadii dib-uhabaynta lagu magacaabay ayaa laba meelood loo kala qaybiyey.

Tusaale ahaan kooxdii uu ka midka ahaa Birhaanu Masqal xiliyadii ay socdeen dhaqdhaqaaqyadii aanu anagu gacanta ku lahayn ee ardayda iyo maamulkii kacaanka iyo halgamadii aanu arimahaa ku lahayn markii ay socdeen, waxaanu ahayn niman soo shaac baxay, ka dibna inta aanu soo shaqo tagnay oo aanu damacnay inaanu hawlahayaga qabsano ayaa waxa khatar nagu noqotay inaanu magaalooyinka dhexdooda soo galno, waxayna yidhaahdeen "laga bilaabo Ereteriya ilaa gobolka Tigraay dagaalada waanu ka sii wadaynaa", Laakiin kooxahani markii ay isugu soo urureen gobolka Tigraay ayaa kooxdii kale ee IHABA-da oo ay ka mid ahaayeen, Tasfaaye oo joogay Dabasa iyo Adis-ababa dhexdooda ayaa waxay sii wadeen wixii ay halgamada ku sheegayeen ee ahaa weeraradii magaalooyinka gudahooda. Isla markaana waxay anagana nagu soo kiciyeen beeralaydii miyiga, waayo waxay damacsanaayeen in dagaal balaadhan oo ay bulshadu u dhan tahay nalagu soo qaado, arintaasina jabhadda Shacbiya (Ereteriya) iyo wayaanaha (Jabhadda Tigraay) waxa ahayd ciidooda, waxayna dadka beeralayda ah ee ay nagu soo kicinayeen ku guubaabibayeen "Waxba haka biqina nimankaa ee ku dhiirada."

Xubnihii sarsare ee IHABA-da ahaa ee xiligaa dalka gudihiisa ku sugnaa maamulkii ay wadeen iyo talaabooyimkii ay qaadayeen may ahayn kuwo si cad u muuqda, balse inay taa natiijadeedu tahay mid waxyeelo leh waa la fahamsanaa. Tusaale ahaan Birhaanu Masqal waxa uu adkeeyey dhishibiliinkii hawlaha kacaankooda ayuu ku odhan jiray ciidamada "Waa inaad muujisaan inaad golihiina dhexe adeecsan tihiin", ka dibna talaabooyinkii ad-adkaa ee uu ka qaadi jiray ciidamadii IHABA-da ee uu hogaamin jiray markii ay noqdeen kuwo sii adkaanaya way xamili waayeen, ka dibna waxay taasi keentay is-afgaranwaa, waxaana soo ifbaxay niman muujinaya inay ka soo horjeedaan maamulka Birhaanu Masqal ama doonaya inay ka falaagoobaan maamulkiisa cusub ee adag, kuwaas oo markii dambena dacweeyey. Laakiin kuwa ka soo horjeestay intaa kuma ay hadhin ee inta ay si gooniya u shireen ayey Birhaanu Masqal kala wareegeen xilkii uu hayey, laakiin Birhaanu waxa uu sii watay halgamadii uu waday ee uu mawqifkiisu ku salaysnaa, isla marikaana dagaaladii ay IHABA-du wadeen way sii balaadheen.

Nin la odhan jiray Qaddaluuna iyo nin kale oo MA’ISO ka tirsanaa, kooxaha kacaankana ka mid ahaa IHABA-du inta ay xaafadda la yidhaahdo Sanga-tara ayey dileen. Ninkaa ay dileen ee MA"ISO ka tirsanaa waxa la odhan jiray Marid, wuxuuna ahaa nin yar oo aad u wanaagsan, dilalka caynkaas ah way sii wadeen IHABA-du, waxayna maalin kale dileen nin maamule ka ahaa dugsiga Minilig oo magaciisa la odhan jiray Makonin Shanganee. Laakiin ninkaa maamulaha ka ahaa dugsiga Minilik waxa uu ahaa nin laxaad la’ oo lug iyo gacan la’, isla markaana waxa uu ahaa nin kacaan yahan ah.

IHABA-du may joojin ee waya sii xoojiyeen layntooda, waxayna bilaabeen inay ugaadhsadaan kacaanyahamiinta, iyaga oo hadhka cad ka ugaadhsanaya magaalooyinka dhexdooda, dagaalkooda caynkaas ahina wuu sii balaadhay oo waxay ku sii faafiyeen Adis-ababa iyo gobolada kaleba inay laayaan dadka kacaanyahanada ah, waxayna arintoodu gaadhay inay magaalada Adis-ababa iyo magaalooyinka kale ee gobolada dhexdooda maalintii ku dilaan ugu yaraan 15 qof. Sidaa darteed markii ugu dambaysay ee uu anaga dul-qaadkii naga dhamaaday ee aanu cadhoonay waxay ahayd markii ay IHABA-du dileen ninkii aanu labada goor soo sharaxnay ee ahaa hogaamiyaha shaqaalaha Itoobiya oo magaciisa la odhan jiray Tedros Baqale...

La soco cadadka dambe.

Top


Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga 

Q: 5aad Qiso Dhab Ah - Waxa Ka Sheekeeyay Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire

Xasan Olol oo ah ninka insiga ah ee naagta jinka ah guursaday isaga oo qisadaa ka sheekaynaya wuxuu yidhi "Markii aan laba habeen joogay Ceerigaabo ayaan maalin saddexaadii aabahay ku idhi aabo waan tegayaa oo waxaan ku noqonayaa Berbera, ka dibna wuxuu igu yidhi "Xasanow aabe waan kuu soo ducaynayaa ee ma haysataa nooli, mise nooli baan ku siiyaa", ka dibna waxaan ku idhi "Waan haystaa", inta aan tusay 280 rubadood oo iiga soo hadhay 300 ee rubadood ee sodogay I soo siiyey. Weliba aabahay ayaan siiyey 200 oo rubadood, waxaana qaatay 80 rubadood. Laakiin aabahay waxaan ku idhi "Aabo waxaan raacayaa gaadhi ay lahaayeen ilma gadh-case."

Balse maan ahayn nin gaadhi u baahan, dabadeedna gaadhigii aan aabahay ku idhi waan raacayaa oo istaanka baxaya ayaan cabaar is-agtaagay si aan u sugo inta uu dhaqaaqayo, taas oo aan iska dhigayo nin gaadhiga raacaya si aan aabahay u qanciyo, waxaan gaadhigii sugaba markii dambe ayuu dhaqaaqay oo wixii raaci lahaana raaceen, dadkii aan raacaynina magaalada dib ugu noqdeen ayaa anigana waxaygii cagaha lay geliyey oo aan u ambabaxay xagii reerkaygii, ka dibna waxaan markiiba gaadhay geedkii aan maalintii hoos seexan jiray oo ay gogoshaydii iyo raashinkiiba ii sii yaaliin, dabadeedna inta ay quraacdii cunay ayaan iska seexday, ka dibna wax aan maalintii oo dhan hurdaba markii ay maqribkii gaadhay ayaan waayey Aamina suldaan, waayo maalin kasta marka ay maqribka gaadho ayey alaabta ii guri jirtay, ka dibna markii aan waayey ayaan alaabtaydii iska gurtay oo aan gurigii tegay oo waxaan alaabtii dhigtay ilaaxidhka hore ee guriga, laakiin Aamina oo umushay ayaa jiifta ilaaxidhka dhexe ee guriga, dabadeedna inta aan u tegay ayaan ku idhi "waar Aamina maxaad sheegtay", markaasay igu tidhi "Nabad", kadibna waxaan ku idhi "Oo miyaad umushay", "Haa"ayey igu tidhi, hadana waxaan ku idhi "Oo maxaad umushay", dabadeedna intii aanay ii sheegin waxa ay umushay ayey soo fadhiisatay oo ay maradii ka qaaday caruurtii meesha jiiftay, waxayna tidhi "waxaan umulay 7 caruur ah", ka dibna inta aan naxay ayaan idhi "bismilaahi raxmaaniraxiim", intaa markii aan idhina waan waayey naagtii iyo caruurtii iyo gurigiiba, waxaana is arkay aniga oo cidla fadhiya, dabadeedna aniga oo yaaban oo is leh adiguna maad dambas noqotid, marna is leh ma carartaa ayaa suldaankii loo sheegay waxa dhacay, markaas ayuu yidhi "Xijaabka uga qaada", ka dibna Aamina, caruurtii iyo gurigii ayaa igu soo noqday, markaasay Aamina suldaan hidhaadhiday (Cadhootay), ka dibna waxaan ku idhi "Maxaad la hidhaadhiyeysaa, habeenkii aad ila hadlaysay miyaad sheekada iigu dartay bisinka ha qabsanin", ka dibna waxay tidhi "Maya kuuguma darin oo anigaa gardarran". Intaa ka dibna suldaankii ayaa ii yeedhay oo igu yidhi "Waaryaa Xasan maxaad samaysay", dabadeedna waxaan ku idhi "Suldaan bisinka ayaan qabsaday", dabadeedna wuxuu igu yidhi "Bisinka ayaa ina kala xijaabay ee bisinka hanaga qabsanin". Ka dibna suldaankii ayaan ku idhi "Oo suldaan sawdinka marka aad wax cunaysaan ee aad tukanaysaan bisinka qabsada ma kaayagaa wax qaba". Suldaankii ayaa markaa igu yidhi "Haa oo ilaahay baa ugu yeedhay in kiinu (bisinka0 ina kala xijaabo oo amar ilaahay baa dhigaya inuu kiinu (Bisinka) ina kala xijaabo", dabadeedna suldaankii ayaan ku idhi "Waayahay oo u noqon maayo". Laakiin hadii aan odhan lahaa "Suldaan hadii aan ilaawo ha lay saamaxo waa lay saamixi lahaa, balse maan odhan taa."

Muddo kale markii aan joogay ayey mar kale Aamina waxay dhashay 7 caruur ah, waqtigaasna waxaan buurta joogay muddo saddex sannadood ah, dabadeedna Aamina ayaa maalintii dambe ku idhi "Aamina Caddan baan tegayaa", ka dibna waxay u sheegtay suldaankii, dabadeedna suldaankii baa ii yeedhay oo markii aan idhi waan tegayaa I siiyey sanduuq lacag ah iyo dhar, laakiin suldaanku waxa kale oo ii sii dhiibay 100 rubadood oo igu yidhi "Boqolkaa rubadood waxaad siisaa ninka la yidhaahdo Ina dawle oo doonidiisa raac oo Caddan I gee ku dheh."

Waxa kale oo uu suldaanku dhar badan iigu sii dhiibay abtigay oo magaalada Xiis jooga, ka dibna abtigay baan u tegay oo aan dharkii siiyey, intaa ka dibna aniga iyo abtigay ayaa is raacnay oo u tagnay doontii Inadawle, waxaanu siinay boqolkii rubadood, laakiin Inadawle aniga iyo abtigay wuu nagu diiday boqolkii rubadood oo wuxuu yidhi "Olol Jaamac baa I qabsanaya hadii uu maqlo wiilkaagii ayuu lacag ka qaatay", dabadeedna boqolkii rubadood wuu nagu soo celiyey, dabadeedna boqolkii rubadood waxaan siiyey abtigay oo aan ku idhi "abti makhaaxida iskaga ilaali", sidaa ayaana ku raacaya doontii uu suldaanku igula balamay, waxayna magaalada Xiis nagala dhaqdhaqaaqday goor casar ah, dabadeedna halkii ay saddexda habeen nala sii socon lahayd ayaa ayey iyana cagaha wax ka gasheen markaasay habeenkiiba nala tagtay badda Cadmeed, isla markaana waaberigiiba munaaradii buurta shaan-shaan ku taalay bay nala agtay, ka dibna kuruugii doonta ayaa yidhi "Ka kaca Caddani waa tani", dabadeedna dadkii doonta saarnaa baa kaakacay oo yidhi "Waaryaa inala socday, oo yaa inala socday oo aan ilaahay ahayn", doonto waxay sidday Adhi, ka dibna dadkii baa yidhi "Laba wan hala keeno oo hala siiyo Sheekh Isaxaaq iyo Sheekh Ismaaciil", ka dibna inta aan hoosta ka qoslay ayaan hoos u idhi "Wadh-wadh sheekhyo sheekhyoa lays wallee sheekhyo idin-ma waddin ee aniga ayuun baa og cidda idin wadday". Labadii wan ayaa halkii lagu cunay, ka dibna goor casar tahay ayey doontii dekedda Cadmeed ku xidhatay.

Suldaanku waxa uu igu sii balamay doonidu marka ay dekedda Caddan ku xidhato inta aad sanduuqaaga dacalka qabsato xagaa iyo xagaa midna ha eegin ee toos u soco oo cidna hala hadlin, lagumana qabanayo oo anaga ayaa ku difaacayna, ka dibna sidii uu suldaanku igula soo ballamay ayaan yeelay oo inta aan sanduuqaygii dhegta qabsaday ayaan iska talaabsaday, dabadeedna cidina ilama hadlin, cidina ima arag sidaa ayaan magaaladii ku galay"...

La soco cadadka dambe.

Top


AC Milan Oo Kala Wareegtay Gunners-ka Kaalinta 1aad Ee Top 10

Hogaanka Kooxaha Talyaaniga ee AC Milan Oo Dib U Hanatay Kaalinta No.1, Halka Ay Ajax Bedeshay Bayern Munich

Atlanta (CNN/SI.com): Kooxda Talyaaniga ah ee AC Milan, ayaa dib ugu soo noqotay kaalinta koowaad (No. 1) Qiimaynta Kooxaha Adduunka ee ay samayso CNN/Sports Iyo World Soccer Magazine maalintii Isniintii. Taasina waxa ay soo geba-gebaysay hogaankii ay kooxaha adduunka oo dhan u haysay kooxda Ingiriiska ah ee Arsenal hal toddobaad kadib.

Laba gool oo ay mar dambe u dhaliyeen Pirlo iyo Inzaghi, ayaa siiyay kooxda AC Milan guusha ay 2-1 kaga adkaatay kooxda Modena maalintii Axadii, taas oo ka dhigtay hogaanka in ay u qabato Tartanka Kooxaha Talyaaniga (Serie A).

Ciyaartoyga Robert Pires, ayaa dhaliyay labada gool ee uu ku jiray goolka ay guushu ku timid oo uu u dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaartii ay kooxda hogaaminaysa Tartanka Kooxaha Ingiriiska (Premiership League) ee Arsenal kaga badisay 2-1 gurigeeda kooxda Fulham maalintii Sabtidii toddobaadkan. Laakiin maalintii Arbacadii toddobaadkii hore, ciyaartoyga Emil Heskey, ayaa gool uu madaxa si ba’an ugu Dhuftay wakhtigii dhammaadka ciyaartaasi ku barbareeyay, taas oo ay Liverpool ku 2-2 ku hor istaagtay kooxdan difaacanaysa Horyaalnimada ee Arsenal.

Kooxda Manchester United, ayaa iyadu kor ugu soo kacday kaalinta shanaad ee ay kaga jirtay Qiimayntan toddobaadkii ka hor, waxaanay soo gashay kaalinta saddexaad (No; 3), kadib markii ay dku caraabisay 2-0 kooxda Southampton maalintii sabtidii, mahadana waxaa lahaa labadii gool ee qaybtii hore ee ciyaarta ay kala dhaliyeen Ruud Van Nistelrooy iyo Ryan Giggs. Man United, waxa ay kaalinta labaad kaga jirtaa Kala-horeynta kooxaha Ingiriiska, iyadoo urursatay 50 dhibcood, kana dambaysa lix dhibcood kooxda Arsenal ee hogaanka haysa, balse ay hal ciyaar ahi u hadhsan tahay Man United.

Christian Vieri, ayaa dhaliyay goolkiisii 17aad ee uu ku hogaaminayay gool-dhallinta Serie A, ciyaar ay kooxdiisa Inter Milan kaga badiyeen 2-0 kooxda Torino habeenimadii Axadii, taasina waxa ay kooxda Inter Milan ka dhigtay in ay isku dhibco noqdaan kooxda AC Milan oo ay hogaanka u qabtaan kooxaha Serie A ee Talyaaniga. Inter Milan, waxa ay kasbatay in ay laba kaalmood hore ugu soo marto qiimaynta kooxaha adduunka ee CNN/Word Soccer, waxaanay soo gashay kaalinta 4aad (No. 4).

Ciyaartoyga khadka dhexe ka ciyaara Joseba Etxeberria, ayaa laba gool dhaliyay ciyaartii maalintii Axadii lagaga badiyay kooxda Real Sociedad 3-0 oo ay kaga badisay kooxda Athletico de Bilbao, taas oo soo afjartay rikoodhka kooxaha Isbaanishka ee aan Real Sociedad hore mar keliyana looga badanin ciyaar xilli-ciyaareedka sannadkan oo maraya wareegii 20aad. Guul-daradaasi, waxa ay kooxda Real Sociedad hoos uga tuurtay kaalinta saddexaad, waxaanay ku tuurtay kaalinta 5aad ee qiimaynta kooxaha Adduunka (Top 10).

Valencia ayaa kaalinta lixaad soo gashay, iyadoo hal kaalin hore u soo martay, kadib markii ciyaartoyga bedelka ku soo galay ciyaarta ee Miguel Angel "Mista" Ferrer uu shabagga u dhigay goolka ay guushu ku raacday 10 daqiiqadood ka hor wakhtigii dhammaadka ciyaartaas ay kooxda difaacanaysa Horyaalnimada Kooxaha Isbaanishka ee Valencia kaga dul booday 1-0 kooxda Mallorca maalintii Axadii.
Kooxda aan rajadeedu salka u fadhiyin kooxaha Isbaanishka ayaa ah kooxda Real Madrid, taas oo hoos uga dhacday kaalintii 4aad ee ay toddobaadkii hore ku jirtay, iyadoo ku dhacday kaalinta 7aad toddobaadkan. Kooxdan kaalinta labaad kaga jirta Tartanka Kooxaha Isbaanishka ee Real Madrid, ayaa dib ugu soo dagaalantay laba gool maalintii Axadii, waxaanay ku barbaraysay 2-2 kooxda Espanyol, iyada ay mahada iska lahaayeen labada gool ee ay dhaliyeen qaybtii dambe ee ciyaartaasi ciyaartoyga Boortaqiiska ah ee khadka dhexe ka ciyaara Luis Figo iyo ciyaartoyga reer Brazil ee baalka bidix ka ciyaara Roberto Carlos.

Kooxda Hogaanka kooxaha Boortaqiiska ee Porto, ayaa iyadu kaalinta 8aad ku nagaaday toddobaadkana, kadib markii ay 5-3 kaga guulaysatay kooxda Gil Vicente maalintii Axaddii, taas oo ka dhigaysa rikoodhka kooxdan in aan marna laga badin tartanka xilli-ciyaareedkan ee Horyaalka kooxaha Boortaqiiska. Halka ay kooxda Talyaaniga ha ee Juventus ay ku jirto kaalinta 9aad, kadib markii ay ku barbaraysay 1-1 kooxda Atlanta isla toddobaadkan.

Waxa iyadu ku soo noqotay tobanka kaalmood ee ugu horeeya (Top 10), kooxda Ajax Amsterdam, kadib markii ay toddobaadkan lix gool dhalisay ciyaar ay kaga badiyeen 6-0 kooxda Willem II Tilburg. Waxase ka baxay oo hoos uga dhacay kaalmaha tobanka u sareeya (Top 10) kooxda Jarmalka ah ee Bayern Munich.

Kooxaha kale ee codadka ka helay qiimeyntan, waxa ka mid ah; Santos, Independiente, Besiktas, PSV iyo Lyon.

Qiimayntan CNN/WORLD SOCCER TOP 10, waa qiimaynta kooxaha kubadda cagta ee adduunka oo la soo saaro maalinkasta oo Isniin ah, taas oo ay ka codeeyaan Qorayaasha CNN/Sports iyo World Soccer Magazine.

Top


Kulan Keane Iyo Maamulaha Xulka Irishka Ku Dhexmari Doonna Manchester

Maamulaha cusub ee kooxda kubadda cagta Jamhuuriyadda Ireland, Brian Kerr, ayaa la rajaynayaa inuu dib ugu soo casuumo ciyaartoyga Roy Keane inuu dib ugu soo biiro xulka wadankiisa Ireland toddobaadkan.

Kulan ay ku kulmayaan labadoodu, ayaa la sheegay inuu ka dhici doono magaalada Manchester, taas oo qayb ka ah isku dayga sidii dib loogu soo celin lahaa xidigan reer Irish xulka Wadankiisa.

Ciyaartoygan u ciyaara Naadiga Manchester United, intii uu joogay ama maamulaha ka ahaa Xulka wadanka Ireland, McCarthy, ayaa laga eryey kooxda, laakiin markii uu Maamulka la wareegay Kerr, way isbedeshay taasi, waxaana la isku dayayaa sidii uu Keane ugu soo noqon lahaa kooxda wadankiisa ee Ireland.

Maamule Kerr, waxa uu si cad u sheegay inuu doonayo in ciyaartoygani Keane dib ugu soo noqdo kooxda, taas oo la sheegay inuu Keane aad ugu farxay mar haddii ninkii ay isku kooxda Manchester United wada ahaan jireen ee Bryan Robson uu qabtay shaqadii kooxda Irishka. Taas oo uu Kerr rumaysan yahay in Keane ku soo noqon doono kooxda.

Toddobaadkii hore ayay cakirantay rajadii laga qabay dib ugu soo noqoshada ciyaartoygani, kadib markii tababaraha Naadiga uu u ciyaaro ee Manchester United, Sir Alex Ferguso soo jeediyay in ay ciyaartoyga Keane u wanaagsan tahay inuu iskaga fadhiisto ciyaaraha wadankiisa uu u ciyaaro.

Ferguson, waxa uu sheegay inuu rumaysan yahay in Keane mustaqbalkiisa ciyaareed kor u qaadmi doono keliya haddii uu ku adkaysto qaadashada soo jeedinta Naadigiisa Manchester United.

Top


Ljungberg Oo La Filayo Inuu Dib Ugu Soo Laabto Ciyaaraha Kooxdiisa Arsenal

Ciyaaryahanka Freddie Ljungberg, ayaa la filayaa inuu u ciyaari doono kooxdiisa Arsenal, ciyaarta ay maalinta Axadda la yeelan doonnaan kooxda Newcastle.

Ciyaaryahankan reer Sweden, waxa aanu kooxdiisa u safan ilaa 21-kii bishii Diisambar ee sannadkii hore dhaawac soo gaadhay awgii, laakiin waxa uu si diir-diirni leh ugu soo noqday ciyaartoyda bedelka ah, isagoo ciyaaray muddo ka badan saacad ciyaartii si aadka ah u adkayd ee ay kooxdiisa Arsenal isku barbareeyeen 1-1 kooxda Chelsea, iyadoo la sheegay in aanu wax xannuun ah dareemin ciyaartaas, isagoo sheegay in uu ku qanacsan yahay taas, xataa haddii aanu ka qayb-qaadan ciyaarta ay la ciyaari doonnaan Newcastle, balse uu diyaar noqon doono inuu ka qayb-galo ciyaaraha FA Cup (Tartanka Koobka Ingiriiska) oo ay ciyaar adag iskaga hor iman doonaan kooxda Manchester United toddobaadkan kan soo socda ku xiga.

"Waxa aan dareemayaa xaalad fiican, imikana waxa aan sugayaa in aan arko sida ay u dhacdo taasi." Sidaa waxa uu u sheegay Wargeyska Evening Standard. "Laakiin ku degdegi maayo in aan ciyaaro, ka hor inta aan diyaar u noqonayo. Waxa loo baahan yahay in aan taxadir sameeyo, waayo, haddii aan si degdeg ah ugu soo noqdo ciyaaraha aniga oo aan wax taxadir ah samayn, laga yaabaa in ay taasi muddo kale ciyaaraha iga fadhiisiso," ayuu raaciyay Ljungberg.

Ljungberg, waxa uu sheegay in bishii uu ka fadhiyay ciyaaraha ay u qabatay wax wanaagsan. "Aniga aad iyo aad ayay ii raaligelisay, sidii aan u ciyaaray ciyaartii aanu la ciyaarnay Chelsea, waxaanan u baahnaa wakhti in aan u helo ciyaartoyda, fadhiguna (Serve) iima wanaagsanayn, laakiin aad ayay ii farxad gelisay muuqaalkaygii ciyaareed ee qaybtii dambe ee ciyaartaasi. Run ahaantiina, wakhtigii xagaagii ma aanan helin nasasho, sababta oo ah waxa aan ka shaqaynayay in aan daboolo dhaawac iga gaadhay cidhibta. Sidaa daraadeed, laga yaabaa in ay tani ii ahayd nasasho aan u baahnaa in aan nasto," ayuu raaciyay.

Ljungberg, isagoo ka hadlaya ciyaarta Axadda ay la yeelanayaan Newcastle inuu ciyaari doono, waxa uu yidhi; "Anigu odhan maayo diyaar uma ihi ciyaarta aanu la ciyaarayno Newcastle, laakiin waxa aan leeyahay waa in aan taxadir sameeyaa. Waa ciyaar adag, waan koox aad ugu ciyaar wanaagsan marka ay gurigeeda ku ciyaarayso."

Top