Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 264 February 9, 2003

Burco: Dugsiga Luqadaha Ee MAAWEEL oo Arday Shahaadooyin Guddoonsiiyay

Shir Lagaga Hadlayo Xaaladda MCH-Yada Oo Ka Furmay Boorama

Xukuumadda Oo Hargeysa Ku Qabatay Kulan Lagu Samaynayo Xeer Lagu Xakameeyo Saxaafadda

Xuska Sannad-Guurada 30-Aad Ee Tima-Cadde

Yaxye Xaaji Ibraahim Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu U Sharraxan Yahay Madaxweyne

Baadhayaasha Hubka Ciraaq Oo Warbixintoodii U Dambaysay U Gudbinaya Golaha Amaanka

Waan-Waantii U Dhaxaysay Isra’iliyiinta Iyo Falastiiniyiinta Oo Dib Loo Soo Noolaynayo

Xiisad cusub oo ka Dhex Aloosantay Hindiya iyo Pakistan

Ururka SSJW Oo Cambaareeyay Qorshaha Xukuumadda Ee Xakamaynta Saxaafadda Xorta Ah

Kiciddii Iyo Kufiddii Aragtida Somali-Weyn

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Dastuurku Waa Halbawlaha Qaranka

Kursiga Xejista Mooyee Talo Kale May Waayeen

Halaga Hortago Dhibaatada Cabista Sigaarka

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga


Burco: Dugsiga Luqadaha Ee MAAWEEL oo Arday Shahaadooyin Guddoonsiiyay

Burco (HaatuF): Koox arday oo ka qalin jebisay dugsiga barashada luqadaha ee Maaweel Milsos ayaa shalay shahaadooyin la gudoonsiiyey, waxaana xaflad weyn oo loogu talo galay ardayda qalin-jebisay lagu qabtay xarunta maxadka Jamaal C/Naasir ee magaalada Burco, waana dafcadii u horaysay ee dugsigaa ka qalin jebisay, xafladaasna waxa ka soo qayb galay madaxda dawladda ka tirsan iyo marti-sharaf kale. Laakiin maamulaha dugsigaa, Warsame Maaweel Shire ayaa ugu horayn dadkii munaasibadaa ka soo qayb galay war-bixin ka siiyey geedisocodka waxbrasho ee dugsigiisa iyo guud ahaan xaaladda dugsiga.

Dadka kale ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Abwaanka weyn Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), wuxuuna Hadraawi ka sheekeeyey muhimadda ay Waxbarashadu leedahay, isla markaana waxa uu dhalinyarada ka waaniyey dhoofka debedaha ee ay aad ugu yaaceen.

"Dhalinyarada waxaan leeyahay beryahan dambe dadku waxay ku fekeraan fiise baasaboor, waxaadna moodaa in dalkii Hooyo laga yaacayo"ayuu yidhi Hadraawi, laakiin isaga oo la hadlaya ardaydii qalin jebisay wuxuu yidhi “Anigu waan ka soo horjeeda kelmadda qalin-jebin, meeshana kuma jirto, waayo waxaan leeyahay cilmigu ma dhamaado ilaa inta qofku nool yahay, aqoontaadama waxaad ogaanaysaa marka aad xumaantaada ku asturto ee aad iska ilaaliso eexda iyo qabyaaladda."

Ugu dambayn maamulaha maxadka Jamaal C/naasir ee xafladda lagu qabtay, Aw-Nuux Maxamed ayaa lixday ee ugu saraysay ardayda qalin-jebisay shahaadooyin abaal-marin ah gudoonsiiyey, waxayna lixda arday magacyadoodu kala yihiin: Hibaaq Kayse Aadan, Nasra Aadan Tarabi, Saado Kayse Aadan, C/naasir Maxamed Xasan, Aadan Maxamed Aadan iyo Saleebaan Ibraahin Xasan. 

Top


Shir Lagaga Hadlayo Xaaladda MCH-Yada Oo Ka Furmay Boorama

Shir Lagaga Hadlayo Xaalada MCH-yada

Boorama (Haatuf) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Awdal Maxamed sheekh Cabdilaahi Cige ayaa shalay xarunta wasaaradda caafimaadka ee Gobolka Awdal ka furay shir socon doona muddo laba casho ah oo lagaga hadlayo xaaladda ay ku suganyihiin xarumaha xanaanada hooyooyinka MCH-yada ka furan degmooyinka iyo tuulooyinka Gobolka Awdal.

Sida uu ku soo wramay weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar, Waxa kale oo kulankan lagu lafaguri doonaa ama lagu qiimaynayaa wixii horumar ah ama dib u dhac ah ee soo gaadhay xarumahaasi sannadkii aynu soo dhaafnay.Guddoomiyaha oo ka hadlay shirkan ayaa u shegay ka qaybgeleyaasha oo ka kooban in ka badan labaatan maamule oo isugu jira MCHyada iyo xarumaha caafimaadka ee ka jira degmooyinka ,in haatan la gaadhay wakhti dib loo eego waxa kusoo kordhay xarumahaasi iyo adeegyada ay u fidiyaan dhulka ay ka furanyihiin.Guddoomiyuhu waxa uu ka qaybgeleyaasha ku guubaabiyey in muddada uu socdo shirkani soo saaraan qiimayn tayo leh oo wax ka tara adeegyada xarumahaasi, isagoo sheegay in dhibaatooyin badani haystaan xarumaha MCHyda marka laga eego dhinacyada shaqaalaha iyo dhaqaalaha ay qaataan oo an ku fillayn ay keeni karto in xarumaha qaarkood ay magac ahaan uun u jiraan balse anay lahayn adeegyadii loogu talo galay. 

Guddoomiyaha ka hor waxa isaguna halkaa ka hadlay Isuduwaha wasaaradda Caafimaadka Gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac sheegay in 11 MCH,iyo 25 xarun caafimaad ka jiraan gobolka Awdal waxanay ujeedada shirkayagan an ku eegaynaa ayuu yidhi sidii aynu qiimayn lahayn adeegyada xarumahaasi , shaqaalaha jooga , dawooyinka iyo waxa ka hirgalay qorshayaal horey loogu dejiyey sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada xarumahaasi.

Top


Xukuumadda Oo Hargeysa Ku Qabatay Kulan Lagu Samaynayo Xeer Lagu Xakameeyo Saxaafadda

"Waxa Igu Maqaala Ah Dawladdu Inay Soo Wado Sharci Ay Ku Xamaynayso Saxaafadda, Laakiin..." - Axmed Siilaanyo

Hargeysa (Haatuf): Kulan oo uu hormuud ka yahay wasiirka warfaafinta dawladda Somaliland, C/laahi Maxamed Ducaale ayaa shalay ka furmay hudheelka Mixg-ing ee magaalada Hargeysa. Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen kooxo suxufiyiin ah oo ka kala socda warbaahinta dawladda iyo ta madax banaan ee Somaliland waxay ujeedadiisu tahay inay xukuumaddu saxaafadda ugu samayso xeer xakameeya, iyadoo uu wasiirka warfaafintu hadal uu ku faafiyey saxaafadda ku sheegay inay xukuumadda ka go’an tahay inay saxaafadda xeer u samayso. Hase yeeshee kulankaasi waxa uu ahaa mid aanay saxaafadda Somaliland u dhamayn oo dhinac ah, waxaana bayaan qoraal ah oo ay ku cadaynayaan inaanu kulankaasi khusayn dadkii kulankaa ka soo qayb galay u qaybiyey urur-saxaafadeedka la yidhaahdo SSJW (Somaliland Society Journalism and Writers) oo ay inka badan 30 suxufi ku bahoobeen 15-kii Jananweri, 2003 . Sidoo kale gudoomiyaha shirkadda Haatuf Madia Network, Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa isna dadkii kulankaa ka soo qayb galay u qaybiyey qoraal uu ku cadaynayo inaanay kulankaa ka qayb gelin cid Haatuf ka wakiil ahi.

Kulankaa waxa ka qayb galay Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, xubno golayaasha ka tirsan iyo madaxda axsaabta mucaaradka qaarkood, waxaana halkaa hadal ka jeediyey Madaxweyne-kuxigeenka oo ka hadlay xeerka la doonayo in halkaa lagu sameeyo, isaga oo sheegay in marka xeerkaa la dhamaystiro la hor-geeyo golaha wakiilada . Sidoo kale waxa kulankaa ka hadlay xubno u hadlay kooxaha suxufiyiinta ah ee kulankaa ka qayb galay. Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiintii iyo siyaasiyiintii kulankaa yimi, iyadoo ay dadkaa halkaa ka hadlay ka mid ahaayeen gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), taas oo uu Axmed-Siilaanyo sheegay inay xaaraan tahay inay xukuumaddu saxaafadda xeer ay ku xakamaynayso u soo samayso.

Kulankan oo uu abaabulkiisa lahaa wasiirka warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale waxa la rumaysan yahay inay ujeedadiisu ugu weyni tahay sidii saxaafadda loogu samayn lahaa xeer xakameeya, taasina ay xukuumadda ka go’an tahay sida uu sheegay wasiirka warfaafintu. Hase yeeshee hadii ay taasi timaado waxay meel ka dhac ku tahay madax-banaanida xoriyatul-qawlka ioy saxaafadda xorta ah, iyadoo keliya loo baahan yahay in ururkasta oo saxaafadeed iyo guud ahaanba suxufiyiintu inay dhexdooda samaystaan anshax saxaafadeed (Code of conduct), laakiin way reebban tahay inay xukuumaddu saxaafadda xorta u samayso xeer-ciqaabeed. Sidaa awgeed xukuumadda Madaxweyne Rayaale hadii ay dan mooday inay saxaafadda xorta ah u samayso xeer ay ku cabudhiso, isla markaana uu Madaxweyne Rayaale raali ka yahay dedaalka uu wasiirkiisa warfaafintu ugu hammuumayo inuu cabudhiyo saxaafadda, waxay taasi noqonaysaa talaabadii ugu guracnayd ee ay nolosheeda qaaddo, waana talaabo hadii ay xukuumaddu ka waantoobi waydo sumcadeeda galaafan doonta. 

Hase yeeshee gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa hadal uu kulankaa ka jeediyey ku sheegay inay reebban tahay in saxaafadda loo sameeyo xeer xakamaynaya, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa, "Waqtigan xaadirka ah waxaynu ku jirnaa doorashooyin, doorashooyinkaas oo aynu qaybna ka soo baxnay, qayb kalena waynu gelaynaa, waqtiyadaa doorashooyinkuna waxay leeyihiin xasaasiyaad, isla markaana door weyn oo ahmiyad leh ayey warbaahintu yeelanaysaa, taas oo loo baahan yahay in xisbiyo kala duwan iyo warar kala duwan shacbi weynaha loo bandhigo, isla markaana waxa aynu u dagaalamayno ee magacaa dimoqraadiyadda ina siinayaana uu yahay warbaahinta xorta ah, laakiin waxa igu maqaalo ah dawladdu waxay soo wadaa sharci lagu xakamaynayo saxaafadda madax banaan, shuruucdaa noocaas ah ee saxaafadda dhawr goor oo hore baarlamaanku wuu celiyey, markaa aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE iyo qof ahaan-ba waxay ila tahay inaanay haboonayn, xaqna ahayn, isla markaana nooguma muuqato in waqtigan xasaasiga ah ee aynu marayno la keeno sharci xakamaynaya madax banaanida saxaafadda, waayo wax baa ka dhadhamaya ama ka soo uruya, markaa waxaanu leenahay ka jooga oo ha keenina arintaa iyada ah, waxayna xaq u leeyihiin in inta marba hayad loo baryayo in qarankii ay u shaqaynayeen, iyaga (Saxaafadda) iyo axsaabtaba gacan la siiyo."

Axmed Siilaanyo intii uu ku gudo jiray hadalkiisa waxa uu ku soo halqabsaday hadal uu beri hore yidhi Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), wuxuuna yidhi "Hadraawi ayaan xusuustaa beri uu Siyaad Barre xidhay, ka dibna waxaan ku idhi waar maxaa lagugu haystaa, dabadeedna erey uu yidhi ayaanan weligay ilaawayn, wuxuu yidhi, "dee qarankii baa loo wada shaqaynayaayoo, laakiin Siyaad Barre wuxuu leeyahay dhinaca aan anigu ka hayo oo qudha ha layla qabto, anaguna waxaanu leenahay sidaa Qaranka ku qaadi kari maynee waxay ku fiican tahay inuu mid-ba koone qabto," markaa aniguna waxaan leeyahay Qaranka waynu wada dhisaynaa, xukuumadayna dhinac baad haysaa ee waanu kugu taageeraynaa oo garabka ayaanu idinla qabanaynaa". 

Top


Xuska Sannad-Guurada 30-Aad Ee Tima-Cadde

Qalinkii - Boobe Yuusuf Ducaale

Cabdillaahi suldaan Maxamed oo ku caan-baxay (Tima-cadde), wuxuu ku dhashay Galoolley, sida in badan oo taqaanay rumaysan tahay, isla markaana uu ii xaqiijiyay Isaaq Cismaan Maxamed oo ay Tima-cadde ilma-adeer ahaayeen. Hooyadii waxay ahayd Xabiiba Seed Guuleed. C/laahi Suldaan markuu geeriyooday 1973-kii, wuxuu ahaa 53-jir, sidaa darteedna wuxuu dhashay 1920-kii. C/laahi Suldaan wuxuu ka dhashay qoys beeralay ah, waxaanu ahaa madi. Wuxuu ku koray degmada Galoolley oo ay beer ku lahayeen, halkaas ayaanu ka galay malcaamad-qur’aan.

C/laahi Suldaan, isagoo weli dhallinyaro ah ayuu tegay dalka Itoobiya, waxaanu inta badan ku noolaa magaalooyinka Adari (Harar) iyo Diridhabe. Timacadde wuxuu Itoobiya ku tegay farriin uga timid ina-adeerkii Maxamed Dugsiiye Maxamed oo ciidamadii Talyaaniga ka tirsanaa. C/laahi Suldan waxay isa sii raaceen laba kale oo ay ilma-adeer ahaayeen. Markii ay muddo joogeen magaalada Adari, ayuu Maxamed Dugsiiye u yimid. Tima-cadde wuxuu ku daray malcaamad uu qur’aanka iyo diinta ka barto. Maxamed Dugsiiye dib ayuu u noqday oo wuxuu sii raacay ciidamadii Talyaaniga ee uu ka tirsanaa. Waxoogaa markuu maqnaa, isagoo ku sugnaa magaalada Jimma, ayuu ciidamo ka soo noqday farriin soo faray ahayd in ay C/laahi Suldaan soo kaxeeyaan markay soo noqonayaan. Halkii ayuu Timacadde ugu tegay Maxamed Dugsiiye, isagoo ka mid noqday ciidamadii Talyaaniga oo ay Maxamed Dugsiiye isku ‘Batalyan’ noqdeen.

Ku sinnaan 1938-kii ayuu Tima-cadde ka soo baxay ciidamadii Talyaaniga oo uu degay magaalada Diridhabe oo uu waxoogaa ku noolaa. 1940-kii ayuu C/laahi u soo wareegay magaalada Jabuuti oo uu ku noolaa ilaa 1949-kii.

C/laahi Suldaan intii anu Jabuuti ka imanba wuxuu noqday gabayaa laga yaqaan golayaasha iyo fagarayaasha lagu kulmo, gaar ahaan aroosyada oo uu aad uga gabyi jiray.
Sannadihii uu ku sugnaa Jabuuti iyo markuu ka soo wareegayba, C/laahi Suldaan gabayo bulsho oo kaftan iyo xifaaleba lahaa ayuu la wadaagi jiray hal-abuurkii ay isku da’da ahaayeen, kuwaas oo dadku aad u xiisayn jiray.

C/laahi Suldaan markii uu Jabuuti tegay, halkaa waxay ku kulmeen Barni Jimcaale oo kal-gacal xoog lihi u galay, tix uu u tiriyayna laga hayo halku-dhegga ah; "Barni ina Jimcaalaan helee, sow bar dahab maaha."

C/laahi Suldaan iyo Barni Jimcaale, waxay ku aqal-galeen Galoolley 1952-kii. Barni Jimcaale, 1954-kii ayay Maryan ku curatay. Guurkaa Tima-cadde iyo Barni Jimcaale ma raagin, waxaanay ku kala tageen magaalada Jabuuti 1957-kii.

C/laahi Suldaan wuxuu si rasmiya uga soo wareegay Jabuuti 1949-kii, isagoo degay Galoolley oo ay beertoodu ku taal. 1959-kii ayuu C/laahi mar labaadkii ku guursaday Galoolley Ardo Qallinle Cige oo u dhashay afar hablood iyo wiil, kuwaas oo kala ahaa:

  1. Xaliimo C/Laahi Suldaan

  2. Maxamed C/Laahi Suldaan

  3. Mako C/Laahi Suldaan

  4. Iyo Nimco C/Laahi Suldaan.

C/laahi Suldaan, markuu dalka soo degayba wuxuu ka qaybgalay halgankii gobonimo-doonka ahaa ee dalka ka hana-qaaday. Wuxuu markiiba ku biiray ururkii SNL oo ay xaruntiisu ahayd Hargeysa, halkaas oo ay kasoo baxeen gabayadii ugu badnaa ee Timacadde ee marxaladdaa ku beegnaa.

1960-kii kadib, markii gobonimada la qaatay ee la isku daray labadii gobol ee Soomaaliyeed, lana sameeyay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, Tima-cadde wuxuu ka tirsanaan jiray xisbigii la odhan jiray SDU, loona yaqaanay Calan-Cas. Wuxuu ahaa xisbi fekerkiisu bidix ahaa ama u janjeedhay dhinaca hanti-wadaaga.

Beryihii dambe ilaa doorashadii 1969-kii, Xisbina kama uu tirsanayn, waayo markuu arkay sidii wax loo waday iyo siday Xisbiyadii u noqdeen wax lagu danaysto, wuu ka aamin-baxay.

1969-kii, markay ciidamadii qalabka siday taladii dalka kula wareegeen inqilaabka, C/laahi Suldaan dadweynaha Soomaaliyeed ayuu la qaybsaday dareenkii wanaagsanaa ee lagu soo dhoweeyay, iyadoo maamulkii madaniga ahaa laga khatoobay, isla markaana laga rajo-dhigay, shacbigu way u heellanaayeen is-beddel dhaca. Ididiiladii iyo rajadii dadweynaha gashay waxay ahayd in wax is-beddeli doonaan oo weliba sida ugu roon isu beddeli doonaan.

Mar saddexaadkii ayuu C/laahi Suldaan magaalada Hargeysa ku guursaday Ardo Tukaale 1971-kii, waxaanay u dhashy Samsam C/laahi Suldaan oo keliya.

Carruurtii Tima-cadde dhalay oo ahayd toddoba gabdhood iyo wiil, waxa maanta ka nool Maryan, Nimco iyo Sam-sam oo keliya oo xaasas ah.

1971-kii, C/laahi Suldaan waxa ku sii xumaaday xanuun kaga dhacay cunaha. Markay xaaladdiisii caafimaad ka soo rayn weyday ayay xukuumaddii militeriga ahayd 1972-kii u dirtay dalka Kenya. Tima-cadde waxa la dhigay ‘Kenyatta Hospital’, oo Nayroobi ku yaal. C/laahi Suldaan wax badan ma joogin halkaas, muddo kooban kadibna waxa lagu soo celiyay Somaliya.

C/laahi Suldaan wuxuu ku dambeeyay gurigiisii Galoolley ku yaalay, halkas oo ay ku haysay Ardo Qallinle Cige oo xaaskiisa ahayd. Noloshiisii intii ka hadhsanayd inteedii badnaydna halkaas ayuu degenaa.

C/laahi Suldaan, 7/12/1972-kii, ayaa laga soo qaaday Galoolley oo la geeyay Kala-baydh, halkaas oo uu ku dhintay 6/2/1973-kii. Bishii February 7dii, 1973-kii, subaxnimadii ayaa meydkii Tima-cadde laga soo qaaday Kala-baydh, iyadoo si wanaagsan loo sii gelbiyayna, waxa lagu aasay Gebilay, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo’e.

La soco cadadka dambe...

Top


Yaxye Xaaji Ibraahim Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu U Sharraxan Yahay Madaxweyne

Muxuu Ku Sababeeyay Isa Sharaxaadiisa?

Hargeysa (Haatuf) Yaxye X. Ibraahim oo ka mid ah siyaasiyiiinta Somaliland horena u ahaan jiray wasiirka beeraha ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay inuu yahay musharax madax banaan oo ka qayb qaadanaya tartanka doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay dalka ka dhacdo bisha April ee fooda inagu soo haysa.

Shir jaraa’id oo uu Yaxye X. Ibraahim ku qabtay gurigiisa maalintii shalay oo uu arrintaa kaga dhawaaqay waxa kale oo uu kaga waramay arrimo kale oo ku saabsan xaalada dalka iyo sababaha ku kalifay inuu ka qayb qaato tartanka madaxtinimada.

Ugu horeyn Yaxye waxa uu ka waramay halgankii loo soo galay xoraynta dalka, isagoo mar ahaa gudoomiye ku xigeenka ururkiii SNM muddadii lagu jiray halgankii hubaysnaa.

"Waxaan ahaa musharaxii ugu horeeyay ee 1996-kii shirweynihii Hargeysa, maalintaa wax baan isku sharaxay maantana wax baan isku sharaxayaa," ayuu yidhi Yaxye isaga oo ka waramaya musharaxnimadiisii 1996-kii iyo sababta uu maanta isku soo sharaxay isaga oo hadalka sii watana waxa uu yidhi, "maalintaa waxaan isku soo sharaxay markaan dhawr jeer maqlay madaxweynihii hore Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo leh waan isa soo sharaxayaa haddii ay dadku iga codsadaan ayaan is idhi malaha wuxuu moodayaa inaan rag kale dalka joogin, waxaan isku sharaxay inaan tuso in ay rag kale jiraan," ayuu yidhi Yaxye isagoo ka hadlaya sababta uu maanta isku soo sharaxayna waxa uu yidhi, "maantana waxaan arkay in dadka been loo sheegayo oo aan xaqiiqada laga hadlayn, waxa qudha ee aynu ku faanaa waa nabada, nabada jiraysaa waatee, dalkeenii qaybo dhan baa la haystaa oo cid kale sheegaynaysaa, markii hore waxay maraysay Laas-caanood, markii ku xigay waxay ahayd Oog, markii kusii xigayna Caynabo, maantana waxay maraysaa Burco, barina Sheekh iyo Berbera ayay imanaysaa marka dambena Hargeysaa la imanayaaye halkay markaa nabadu joogtaa nin dhulkiisii badh la haystaa qaranimo ma sheegan karayo," ayuu yidhi Yaxye waxaanu intaa ku daray in raga maanta sheeganaya inay yihiiin musharaxiin ay ka warwareegayaan inay sheegaan xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jirta dadkana ay marin habaabinayaan isaga oo ku dooday inay siyaasadu tahay runta oo la sheego, Yaxye X. Ibraahim isaga oo ka waramaya waxyaabaha uu qaban doono haddii la doorto waxa uu balan qaaday saddex arrimood oo kala ah:

  1. Inuu toban cisho gudahood ku dhaqan galin doono xukunka shareecada Islaamka.

  2. Toban bilood gudahoodna inuu xukunka ku faafin doono dalka oo dhan min Saylac Ilaa Laas-caanood, wanaag ama khasab kay doonto ha noqotee.

  3. Inuu toban bilood gudahood ku keeni doono Ictiraafka Somaliland oo uu sheegay in la heli kor haddii dariiqiisa la maro.

"Anigu mabda’ baan aaminsanahay oo ah saddexdaa arrimood, ee kursi doon ma ahi, qofkii ku dhawaaqa inuu intaa aaminsanyahay waan uga tanaasulayaa" ayuu yidhi Yaxye.

Ka dib wariyayaashii shirkaa jaraa’id ka qayb galay waxay waydiiyeen dhawr su’aalood oo ay ka mid yihiin in ay arrintan isku ogyihiin Foosiya X. Yuusuf oo arrintan oo kale hore u sheegtay waxa uu yidhi "Foosiya aqoon baa naga dhaxaysa oo waxaanu ka soo wada shaqayn jirnay wasaaraddii arrimaha dibada ee Soomaaliya balse arrintan iskuma ogin ee iyadana waa u gaar, anigana waa ii gaar" mar la waydiiyay sida ay musharaxnimada madaxa banaani u tahay sharci waxa uu yidhi "Qodobka 5aad ee Dastuurka waxa uu dhigayaa wixii shareecada Islaamka ka hor imanayaa inuu yahay waxba kama jiraan shareecada Islaamkuna waxay ogoshahay musharaxnimada madax banaan wax qiil ah oo arrintaa is hortaagayaana ma jirto" ayuu yidhi Yaxye X. Ibraahim.

Top


Baadhayaasha Hubka Ciraaq Oo Warbixintoodii U Dambaysay U Gudbinaya Golaha Amaanka

Baqdaad (W.Wararka):- madaxa baadhayaasha hubka ciraaq Hanis Bliks iyo madaxa wakaaladda aduunka u qaabilsan awooda nukliyeerka Maxamed Baraadici ayaa malintii shalay gaadhay caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad iyagoo ujeedadoodu tahay in ay ka helaan Ciraaq iskaashi dhab ah si ay baadhayaasha hubku u gutaan xilkooda, waxaana lagu wadaa in ay wada hadalo la yeeshaan mas’uuliyiinta Ciraaq.

Dawladda Ciraaq ayaa hore uga codsatay labada mas’uul inay booqasho ugu yimaadaan inta aanay war-bixintooda ugu danbaysay hor gaynin golaha amaanka maalinta Jimcaha ee soo socota.

Waxa ay arintani ku soo beegantay iyadoo uu Maraykanku ku jiro diyaar-garawga weerar uu ku qaado Ciraaq.

Xog-hayaha arimaha dibadda ee Maraykanka Donald Remisfield oo ka hadlaayay shir ku saabsan amaanka waxa uu sheegay in 90 dawladood ay haatan diyaar u yihiin in ay Maraykanka gacan ku siiyaan dagaalka uu damacsanyahay in uu ku qaado Ciraaq.

Waxaanu ugu baaqay dawladaha reer Yurub iyo kuwa kale ee xubnaha ka ah kaashaan-buurta NATO in ay u diyaar garoobaan iskaashiga laga yeelanaayo weerar lagu qaado Ciraaq, balse dawladaha Faransiiska, Jarmalka iyo Biljam ayaa muujiyay sida ay u diidan yihiin weerar lagu qaado Ciraaq iyagoo wada olole ku aadan arintaas, kaas oo lagu wado in ay hor geeyaan golaha amaanka todobaadada soo socda.

Madaxweynaha Maraykanka Gorge W. Bush ayaa isaguna ku hawlan xidhiidho dublumaasiyadeed oo ku aadan xaaladda Ciraaq waxaanu sheegay inuu arintaas sii wadaayo ilaa laga gun gaadhaayo arintaas.

Dawlada Maraykanka ayaa ku adkaysanaysa in loo baahan yahay qaraar ka soo baxa golaha amaanka oo fasaxaaya weerar lagu qaado Ciraaq.

Dhinaca kale waxa maalintii shalay ka bilaabmay magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga shir ay ku kulmeen dalalka Khaliijku oo ay kaga wada xaajoonayaan xaaladda dalka Ciraaq oo laga yaabo in ay isu badasho dagaal rasmi ah oo ka dhaca khaliijka kulankan oo ay ka qayb-qaadanayaan wakiilo ka kala socda wasaaradaha arimaha Dibadda iyo Gaashaan-dhiga ee lixda dal ee Khaliijka, waxa lagu tilmaamay mid aan rasmi ahayn oo ay dalalkaasi kaga arinsanayaan mawqifka ay ka yeelanayaan xiisada ka taagan Ciraaq iyo saamaynta ay ku yeelan karto Khaliijka.

Madaxda dawladaha Carabta ayaa lagu wadaa in ay shir-madaxeed iyaguna isugu yimaadaan magaalada Qaahira bisha soo socota ee March, iyada oo ajindahooda ugu weyni noqon doono Arinta Ciraaq iyo Saamaynta uu ku yeelan doono mandiqada Bariga Dhexe.

Top


Waan-Waantii U Dhaxaysay Isra’iliyiinta Iyo Falastiiniyiinta Oo Dib Loo Soo Noolaynayo

Qudus (W.Wararka):- sida ay sheegayaan wararka ka imanaaya bariga dhexe waxa dib u bilaabmay wada hadaladii u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiin iyadoo ay kulano sir ahi labada dhinac dhex mareen, kuwaas oo ay ujeedadoodu ahayd sidii loo soo noolayn lahaa wada hadaladii istaagay ee u dhexeeyay labada dhinac.

Sida ay wararku sheegayaan Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Ariyal Shaaroon ayaa la kulmay gudoomiyaha golaha baarlamaanka ee Falastiin Axmed Qureec iyo Xog-hayaha Ururka Xoraynta Falastiin Maxamuud Al-Cabaas oo la sheegay in uu midba gaarkiisa u qaabilay.

Sida ay ku warantay idaacada Israa’iil waxa lagu wadaa in xidhiidhkii dhinaca tilifoonka ee labada dhinac la soo celiyo maalinta Isniinta ee Beri.

Kulanada dhex-maray labada dhinac oo ay xaqiijiyeen ilo dublomaasiyadeed waxa lagu tilmaamay in ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee labada dhinac dhex-mara mudo gaadhaysa sanad iyo badh.
Arintani waxay ku soo beegantay iyadoo ay ciidamada Israa’iil sii wadaan burburinta iyo go’doominta magaalooyin ka tirsan maamulka Falastiin.

Waxaana lagu soo waramay in ciidamada Israa’iil ay guryo ka bur-buriyeen magaalooyinka Naabulus, Baytul-Furiik iyo goobo kale oo ka tirsan daanta galbeed ee wabiga Urdun.

Top


Xiisad cusub oo ka Dhex Aloosantay Hindiya iyo Pakistan

Islamabad (W.Wararka):- Dawlada Pakistan ayaa ku amartay, arimo ilaaliyaha safaaradda ay Hindiya ku leedahay magaalada Islamabad in uu dalkeeda ka baxo maalintii shalay iyadoo ku eedaysay inuu ku kacay arimo ka baxsan hawlihiisa.

Waxaanay dawlada Pakistan talaabadan kaga jawaabaysay Dawladda Hindiya oo iyaduna dalkeeda ka soo eriday arimo ilaaliyihii Pakistan u fadhiyay dalkaas, sida uu sheegay mas’uul sare oo u hadlay wasaarada arimaha dibadda ee dalkaasi.

Dawlada Pakistan waxay dublomaasigaas iyo afar kale oo ka tirsan hawl-wadeenadii la shaqaynay ku amartay inay mudo 48 saacadood ah kaga baxaan dalkaas halka ay qoysaskoodana u qabatay mudo 7 maalmood ah in ay xamaantooda ku gurtaan.

Xiisadan cusub ee ka dhex aloosantay labada dal ayaa ah mid soo kicinaysa xiisadii mudada dheer u soo dhaxaysay labada dal taasoo salka ku haysa muranka Kashmiir.

Top


Ururka SSJW Oo Cambaareeyay Qorshaha Xukuumadda Ee Xakamaynta Saxaafadda Xorta Ah

Hargeysa (Haatuf): Ururka Suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxa-bannaan ee Somaliland ee marka magaciisa lasoo gaabiyo la yidhaahdo (SSJW) ayaa shalay soo saaray war-murtiyeed uu ku cambaaraynayo abaabul iyo shirar ay dawladdu doonayso inay ku samayso wax loogu yeedhay urur saxaafadeed iyo xeer lagu xakamaynayo saxaafadda, kaas oo sida ay ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxa-bannaan ee Somaliland qoraalkooda ku sheegeen inay xukuumaddu doonayso ay dabar iyo hoggaan ugu xidhnaato saxaafaddu, isla markaana waxay ku tilmaameen xukuumadda Somaliland mid waqtigan u soo jeedsatay inay af-duubto saxaafadda. Qoraalkaas oo uu ku saxeexanaa xoghayaha ururka SSJW, waxa shalay loo qaybiyay mas’uuliyiinta Dawladda ee ka qaybgalay shirka ay xukuumaddu abaabulayso ee saxaafadda lagu magacaabay, kaas oo lagu qabtay Huteelka Ming Sing ee magaalada Hargeysa. Wuxuuna nuxurka qoraalkaasi u qornaa sidan:

"Sida ay maalintii dorraad sheegtay Idaacadda Raadiyow Hargeysa, isla markaana warbaahinta qaar lagu xusay in hargeysa lagu qabanayo wax loogu yeedhay kulan saxaafada ah,marna lagu magcaabay (workshop).kulankaa oo uu abaabulkiisa hormood ka yahay wasiirka warfaafinta iyo xubno kale, kaas oo aan ujeedadiisa la cadayn, laakiin la sheegay inuu ujeedooyinkiisa laga tilmaamay, urur saxaafadeed oo ay dawladu jeebka ku sidato iyo xeer saxaafadeed oo ay xukuumaddu samaysato, si ay saxaafadu u noqoto mid dabar iyo hogaan ugu xidhan dawladda . 

Sidaa awgeed, haddii aanu nahay ururka (Somaliland Society for Independent Journalists And Writers) SSJW, oo ay ku bahoobeen in ka badan (30) xubnood oo isugu jira suxufiyiin iyo qorayaal ka hawlgala shebekadaha warbaahinta, sida jaraaidka, Tvga iyo idaacadaha, waxaanu cadaynaynaa in aanay jirin wax aanu ka ognahay kulankaa kor ku tilmaaman, waxa lagaga hadlayo iyo wixii ka soo baxana aanu na khusayn, iyadoo ay madaxbaanida saxaafada iyo ururadeedaba ay gef ku tahay inay dawladu fara geliso, isla markaana waa xaaraan in saxaafadda xorta ah loo sameeyo xeer ciqaabeed iyo in la cabudhiyo, taas oo ka hor imanaysa dastuurka Qaranka iyo Baaqa Caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, islamarkaana luminaya ujeedooyinkii ugu waaweynaa waxyaabihii ay ummaddu u soo halgantay oo ay kow ka tahay xoriyada iyo madax banaanida saxaafadu.

Mar labaad waxaanu u sheegaynaa cida ku jirta ama ku lugle inaanu ururkani diidanayn wixii ay danta saxaafadu ku jirto ee kulamo ah ee aan ka hor imanayn Distuurka iyo danta shacbiga Somaliland iyo haddii ay saxaafadu si xor ah oo madaxbanaan u samaysanayso anshax saxaafadeed (Code of Conduct), laakiin aanaan ogolaanayn fara gelinta xukuumada ee saxaafada madaxa banaan."

Top


Kiciddii Iyo Kufiddii Aragtida Somali-Weyn

Ibraahim Xasan (Gaa-Gaale)

(The Rise and fall of Greater Somalia Theory)


Somalidu waxay ka mid ahayd dadyowgii Afrika ee gumeysiga Reer Yurub qabsaday dhammaadkii qarnigii 19aad. Somalida oo loo kala qaybiyey shan (5) meelood, waxa loo kala qabsaday sidatan: Somaliland iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxaa saami ahaan u helay Ingiriiska (1884-85), dibna Ingiriisku ka siiyey Kenya N.F.D (1963) , Koonfurta waxaa qaatay Talyaaniga (1889), Jabuuti waxay gacanta u gashay Faransiiska (1862-1885), Somali-Galbeedna waxa ku tuun-tuunsatay Itoobiya (1889), dibna Hawd Ingiriisku ka siiyey Itoobiya (1954). Kacdoonkii diiniga ahaa ee Moxamed Cabdulle Xasan (19oo-1920) kadib, Somalidu waxa kale oo ay ka mid ahayd, meel kastaba ha joogtee, Afrikadii baraarugtay badhtamihii Dagaalkii 2aad ee Adduunkii (1943-45). Axsaabtii siyaasadda ee baraarugaas ka dib u dhalatay xorraynta iyo midaynta 5ta Somalida, labadii ugu weynaa waxay ahaayeen: S.Y.L oo laga asaasay Gobolkii Koonfur sanadkii 1943 iyo S.N.L oo laga asaasay Gobolkii Waqooyi sanadkli 1947. Halgamadaas gobonimadoonka Somaliyeed waxay dhammaantood ka midaysnaayeen Aragtida Somaliweyn oo ahayd in la xorryeeyo, la mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la boos keeno 5ta Somaliyeed.

Somaliland waxay ahayd dalkii ugu horreeyey ee Somaliyeed oo gobonimada qaatay June 26, 1960, ummadda Somalilandna waxay ahayd dadkii ugu horreeyey ee kaga dhabeeya kicinta iyo hirgelinta Aragtida Somaliweyn markii ay la midoobeen Koonfurta Somalia Idii July, 1960, lalla abuuray Jamhuuriyaddii ugu horreeysey ee Somalida. Labada dhinac ee isku darsaday waxaa ra' iisal wasaare ka kala ahaa Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Gobolkii Waqooyi) iyo Cabdullaahi Cilse (Gobolkii Koonfur). Aragtidanu waxay ficil ahaan iyo figrad ahaanba u jirtey intii u dhaxaysey 1943-1960, balse wixii ka dambeeyey 1960, Aragtida Somaliweyn wey sii burbureysey maalinba maalinta ka dambaysa, waxaana god dheer lagu ridey intii u dhaxaysey 1970-1990. Haddaba, maxa dhacay, yaa ka mas'uul ahaa burburinta midnimadii labada gobol iyo kufinta Aragtidii Somaliweyn? Si aan jawaab sax ah ugu helno su'aashaas, bal aan derisno taariikhda dhabta ah ee 30kii sano ee israaca (1960-1990). 

Dawladihii iskaga dambeeyey xukunka Jamhuuriyadii Somalia ayaa iyaga oo qaba qabweyni iyo keli-talisnimo, jaahilna ka ahaa qimaha midnimada, markiiba ku tuntay xukun-wadaagii Koonfur iyo Waqooyi, arrimaha soo socda awgood. Intii u dhaxaysey 1960-1967, waxaa madaxweyne ahaa Aadan Cabdulle Cosman oo Reer Koonfur ahaa, waxaanu ra'iisal wasaare u kala doortay Cabdirasheed Cali Sharma'arke (1960-1964) iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (196.4-1967) oo labaduba Reer Koonfur ahaa; baarlamaankiina si xad dhaaf ah ayey Koonfurtu u boobtay. 
Mar labaad ayey Koonfurtu qaadatay madaxweynihii (967-1969), kaas oo ahaa Cabdirasheed Cali Sharma'arke, waxaanu ra'iisal wasaare u doo11ay Moxamed Xaji Ibrahim Cigaal oo Reer Waqooyi ahaa. Siyaad Barre oo isna Koonfur ahaa ayaa isaga oo ka faa'iideysanaya dilkii Cabdirasheed oo ahaa 15 kii Oktoobar 1969, kana xumaa jagada Cigaal, afgembi milatari ku qabsaday dalkii 21 kii, 1969. Duudsigaas iyo boobka dawladnimada ee ku dhacay Reer Waqooyi~a waxa uu noqday warankli ugu horreeyey ee ku dhaca midnimada labada gobol iyo Aragtida Somaliweyn. Markii intaasu dhacday, Reer Waqooyigu waxa uu isku- ciilkaambiyey dawladnimada sida fudud ee degdegga ahayd loogu loogey Koonfurta. Dhammaan xukuumadihii iskaga dambeeyey Jamhuuriyaddii Somalia, waxay ula dhaqmeen Gobolladii Waqooyi sida gobol ka tirsan Koonfurta sida Bakool ama Hiiraan oo kale, waxayna iska-indhatireen xaqiiqada ahayd in ay israaceen laba dawladood oo siman, waajibna ay ahayd in la wadaago xukunka si loo ilaaliyo midnimada loona soo jiito gobolladii maqnaa oo hiigsanayey Aragtida Somaliweyn.

Duudsigii ugu weynaa xagga dawladnimada waxa uu ku dhacay Gobolladii Waqooyi xilligii keli-taliyihii Siyaad Barre oo awoodda dalka oo dhan gacan bir ah ku haystey muddo 21 sano ah (1969- 1991), kana dhigay maqaar- saar madaxdii Reer Waqooyiga. Siyaad Barre oo ahaa askari aqoon-gaab ah, Talyaanigu u dallacsiiyey sarkaal boolis ah sanadkii 1954, waxa uu ahaa qabijliiste ma naxe ah,. Si uu dadka u cabbudhiyo loogana baqo xukunkiisa, waxa uu markiiba dhegta dhiigga U daray: Moxamed Caynaashe, Salaad Gabarrey iyo Cabdulqaadir Dheel sanadkii 1971. Waxa uu muddo yar kadib il-nacab ku eegay dadka Isaaqa oo ugu indheer-garad badnaa Somalida isagoo u arkayey inay markiiba fahmeen ajandihiisa qarsoon ee keli- talisnimada qabiilka ku dhisan. 

Dadka Somaliland markii ay arkeen sida loo duudsiyey qaybtii ay ku lahaayeen dawladnimada, boqolaal kun oo qaxooti ahna siyaasad ahaan loo soo dejiyey dhulkoodii la tashi la'aan, muddo dheerna dheg loo dhigiwaayey tabashadooda, loona diiday inay si nabadgelyo ah ku muujiyaan dhibaatooyinkii haystey, ayaa waxay go aansadeen inay halgan hubaysan kala hortagaan halistii weyneyd ee soo foodsaartay, taas oo ahayd iyada oo qarka loo saarnaa dhaxal-wareeg dal iyo qaran - guur ummad. Go' aankaas waxaa lagu abuuray Ururkii SNM ee xaq u dirirka ahaa sanadkii 1981, waxaana markiiba dagaal hubaysan oo aan kala go' lahayn lagu qaaday huwantii sida cadawtinimada leh isugu bahaysatay dadka iyo dalka, kuwaas oo kala ahaa: ciidamadii Koonfurta (Somalia), jabhaddii Somali- Galbeed iyo jabhaddii Abooga. 

Dagaalkaas oo ahaa kii ugu dheeraa uguna dhibaatada badnaa ee soo mara Gobolladii Waqooyi, waxa uu xoogiisu socdey intii u dhaxaysey 1982-1990. Bishii May 1988, ayaa Ururka SNM duullaankii ugu weynaa ku qaaday huwantii Taliskii Siyaad, uguna galay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Duullaankaas oo aad u wiiqay una burburiyex awooddli is-bahaysatadli Moqadisho, waxa Siyaad Barre ugu jawaabey inuu diyaaradaha dagaalka, taangiyada iyo madaafiicda goobta ku gumaado dadweynihii Isaaqa, ku burburiyo magaalooyinka waaweyn, kuna barakiciyo hambadii dadka oo u qaxday Itoobiya. Hujuumkaas SNM oo Siyaad Barre ku waayey awooddii ciidamadiisa iyo jabhadihii ka garab dagaallamayey, waxa uu markiiba ku dhaqaaqay hubaynta xeryihii qaxootiga Absamaha iyo qaybo ka mid ah beelihii Waqooyi wax ka deganaa.

Bishii July 1989, 46 qof oo rayid ah oo Reer Waqooyi ah ayaa saq dhexe lagu gawracay Xeebta Gasiira ee duleedka Mogadisho, dad aad u fara badanna loo taxaabay xabsiyadii Xamar, sanadkaas oo dadweynihii Xamar u bixiyey "Sanadkii Isaaq Boobka." 

Dembiyadaas culus ee laga galay dadka u badan Somaliland, waxaa amridooda ka ma'suul ahaa: Siyaad Barre, Cali Samatar, Adan Gabyow, Moxamed Gaani Xaashi iyo Moxamed Saciid Morgan. Halgankii hubaysnaa ee Ururka SNM, oo shacabkiisu hiil iyo hooba heegan ula ahaa, waxa uu dadka iyo dalkaba ka xorreeyey Taliskii dhiig- yacabka ahaa bishii January Idii, 1991, kana badbaadshey dadka Isaaqa dhaxal-wareeg dal iyo qaran-guur ummad, isla markiibana qaxootiyadii ka eryey dalka oo dhan. Kadib markii Ururkii SNM naafeeyey awooddii milateri ee Ta1iskii Siyaad Barre, ciidan iyo qalabba, intii u dhaxaysey 1982-89, aYaa waxa u suurtogashay Hawiyaha inay asaasaan Ururkii hubaysnaa ee USC sanadkii 1989, dabadeedna si fudud cagta u mariyaan Taliskii Siyaad ee sii dhacayey, kana eryaan Siyaad Barre Xamar January 26, 1991. Maalmo yar kadib, Cali Mahdi, oo aan ka muuqan halgamadii hubaysnaa, ayaa xukunkii dalka oo dhan boobay Feb.1991, sheegtayna madaxweyne isagoon la tashan Reer Waqooyiga ama Koonfur inteeda kale. 

Dadka reer woqooyiga oo ka koobnaa beelaha Somaliland oo dhan, markii ay arkeen duudsigii, dulmigii iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay 30kii sano ee israaca, haddana Koonfurtu si kas ah u boobtay madaxweynihii dhiciddii Siyaad ka dib, ayaa waxay magaalada Burco ku go'aansadeen bishii May 1991 inay gobonimadoodii iyo dawladnimadoodii kala soo noqdaan Somalia (Koonfurta) lalla baxaan Jamhuuriyadda Somaliland. Ummadda Jabuuti oo xorrowdey June 27, 1977, waxay go'aan ku gaadhay inay gooni isu taagto ka dib markii ay aragtay duudsiga iyo dulmiga lagu sameeyey Reer Waqooyiga intii u dhaxaysey 1960-1977. 

Go' aankaas Jabuutina waxa uu noqday warankii labad ee ku dhaca Aragtidii Somaliweyn. Haddaba, sidaas ayey taariikhda ugu caddahay in Somalia (Koonfurta) iyo Somali-Galbeed toos uga mas' uul ahaayeen burburinta midnimadii Jamhuuriyadii Somalia, didinta Jabuuti iyo kufinta Aragtida Somaliweyn. Cadawga kowaad ee loo adeegsaday burburinta Aragtida Somaliweyn waxa uu ahaa qabyaalad. Maantana, waa yaabe, waxaa midnimo iyo Somaliweyn u qaylinaya Somalia (Koonfurta) iyo Somali-Galbeed oo ah labadii burburiyey midnimadii labada gobol kufiyeyna Aragtida Somaliweyn ee ahayd in 5ta Somaliyeed la wada boos Midna midnimo jacayl kama aha, waxa keliya ee ay rabaan waxa weeye inay helaan fursad labaad oo ay ku xukumaan kuna boobaan dal iyo dad aanay u dhalan (Somaliland). 

Dadka Somaliland waxa uu aad uga digtoonyahay in arrimahaasu dhacaan mar kale. Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin in 5ta Somaliyeed aan la kala xigin oo qotka Somaliyeed marba midda uu rabo dego waxna ka xukumo maadaama Somalidu wadaagto: dhaqan, diin, af iyo midab. Figraddan waxba kama jiraan, waana arrin halis ku ah qaranimada iyo dawladnimada dal kasta oo Somaliyeed, waayo waxay horseedaysaa sumad la'aan qaran iyo astaan la' aan dal, waana fawdadii jirijirtey intii u dhaxeysey 1970-1990. 

Somalidu kama duwana 18 ka dal ee Carbeed kuna kala dhaqan Waqooyiga Afrika iyo Bariga dhexe, iyo 21 ka dal ee Laatiin Ameerika kana midyihiin Peru, Bolivia, Panama, iwm. Labadan kooxood, qaybkasta waxay wadaagtaa: dhaqan, diin, taariikh, af iyo midab, oo dalna dadkiisu kuma xad- gudbaan dawladnimada iyo dhulka dadka kale. 

Dalka Somaliland waxaa iska leh dadkiisa oo taariikh ahaan, dhalasho ahaan iyo asal ahaan ka tirsan Somaliland iyada oo aan loo kala saarayn beel-beel balse loo aqoonsan yahay umrnad isku dan iyo dal ah oo leh xuduud qeexan iyo qaran suntan. dadka ka imanaya Somalia, Jabuuti, Somali- Galbeed ama adduunweynaha kale, ha u yimaadeen booqoasho, ganacsi, shaqo amaba xoolo soo iibgeyn, waa inay xuduudda, garoomada diyaaradaha iyo dekadaha ka soo qaataan dal-ku-gal waqti ku eg, ciddii ku xad- gudubtana sharciga lala tiigsadaa si loo ilaaliyo nabadgelyada, madaxbanaanida iyo lahaanshaha gaar ahaaneed ee Somaliland maamulka iyo difaaca' Somaliland waxaa iska leh oo qudha umrnadda Somaliland. Dal iyo dadtoona kama dhaxeeyaan 5ta Somaliyeed. Waxaa ka dhaxaynkara waa xidhiidh wanaagsan, walaaltinimo iyo iskaashi ku dhisan ixtiraam laba dhinacle. 

Ibrahim Xasan Gagaale

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Somaliland Sidii La Rabay Ma U Socotaa

Dalkan Soomaliland wuxuu jiraa tan iyo dib isu taaggii dambe 12 sannadood, 12 kaa sannadoodna wuxuu ka dhiman waayay badbaadadeedana lahaa shacabka reer Somaliland. Haddaad dalka dhinac kasta ka eegto dhismihiisa , u hogaansanaanta cashuur bixinta, addeecidda sharciyada dawladnimo intaba waxaa badbaadinteeda leh ILLAHAY ha ka jaasi siiyee shacabka reer Soomaliland. Intaasina waa intay kaga duwanyihiin shacabkii baryo la isku odhan jiray Soomaaliya. Maanta iyo markii horeba dalkan wax qabad la’aantiisa waxaa si weyn uga mas’uul ah Xukuumadda oo uu yar yahay waxay qabatay. Magaalooyinka dalka ha ugu horaysee caasimadda Hargaysa dariiqyadoodu way burbursanyihiin in la kabona la iskuma dhibo. Cisbitaalada dalka waa laga ducaystaa inaan qofna halkaa la dhigin. 

Maamulka dawladnimo waa musuq maasaq caddaan ah oo waliba cidi aanay diyaar u ahayn in wax laga qabto. Hantida qaranka ee ka timaadda cashuurta laga ururiyo danyarta cadceedda maalin oo dhan fadhida, waxa si yar oo fudud u isticmaala madaxda dawladda,sharcigii xakamayn lahaana hareertaa laga dhaafay. Dalkan sida ku qeexan dastoorka, waxaa jira laba gole oo midna aanu xilka ummadda ay u hayeen sidii la rabay aanay u gudan!! Musuq maasaq caddaan ah, dhul bixin sharci darro ah, wax qabad la’aanta dawladnimo iyo siyaasad dibadeed la'aan intuba waxaa ka dabagalkeeda lahaa labada gole ee jira. Dalka waxaa jira wasiiro aan runtii u qalmin in xil loo dhiibto iyo qaar dantooda ugu jira dawladda oo aan dan Somaliland ah danyan, taa waxaan ku caddaynayaa kuwii shalay Carta fadhiyay, iyo kuwii Majeerteenya xilalka ka soo qabtayba markay Somaliland yimaddaan waxaa loogu abaal gudaa madaxnimo!! 

Dad badan oo aan ka mid ahay ayaa maanta is wayddiinaya su'aal ah, waa goorma goortii la heli lahaa riyadii shacabka waa goorma???Waa goorma goortaan Somaliland ka heli lahaa dawlad daacad ah oo u shaqaysa umaddeedana wax u qabata. Waxaan qabaa qaanacna aan ku ahay inaynnaan halkaa dhafayn, Waxaan rumaysnnahay in dawladda talada haysaa aanay aqoonteedii lahayn siday dalkan caalamka u dhex gayn lahayd. Waxaan ku qanacsanahay madaxda aan ka dhex arko maamulka dalka in aanay istaahilin dib in wax loogu dhiibto. Hore waxaa inooga soo lumay 12 sannadood , shalay doorashooyinkii loo rabay inay si dimuqraadiyad ah u dhacaan, kamay duwanayn kuwa boobka ah ee caadada u ah Afrika!!! Doorashada madaxweynanimaduna macno weyn ayay dalka iyo dibadba maanta inoogu fadhida. Dalka waxay inoogu fadhida inaydaan dooran dawladdan hawl gabka ah, maalkii umaddana yeelatay, wax ay dalka ka dayacdo mahee aan marnaba wax ku soo kordhin. Dibaddana macnaha ugu muhiimsan ayay doorashada madaxweyne inoogu fadhidaa, madaxweyne aqoon siyaasadeed leh, cilmi leh, calal qal madaxwayne bal soo celin kara cilaaqaadkii saaxiibtinimo ee Itoobiya dawladdanina dayaceeda iyo luminteeda mas’uulka ay ka tahay.

Maxamud Cayddiid Raghe
Toronto, Canada

Top


Dastuurku Waa Halbawlaha Qaranka

Anagoo ah muwaadiniin Reer somaliland ah jecelna horumarka iyo wanaaga iyo sharafta jamhuuriyada somaliland ayaanu doonaynaa in aanu fikirkayaga ku eegaynaa arimo dhowr ah,haddaba qof walba oo muwaadin ahi waxa uu jecel yahay in siyaasada dalkiisu ay ahaato mid aad iyo aad u saraysa oo si wanaagsan u hagaysa himilada dadka iyo dalka jamhuuriyada Somaliland iyada oo aanu maalin dhawayd aanu maqalnay in gabadh u dhalatay dalkan jamhuuriyada somaliland ay ku dhawaaqday in ay isa soo ssharaxayso isuna soo sharaxayso doorashooyinkan fooda inagu soo haya ee madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee dhawaan kadhici doona dalkeenan jamhuuriyada somaliland iyada oo gabadhaasi la waydiiyay su,aal ahayd ururna kama tirsanid ee urukaad ama xisbigeed iska soo sharaxaysaa? Iyada oo markaas ku jawaabaysa in dastuurku aanu kala saaraynin qof urur iska soo sharaxaya iyo mid kelidii (qof) ahaaneed isu soo sharaxaya haddaba akhristow waanu aragnay dastuurkeena oo aad iyo aad ayaanu weliba aanu uga boganay waxa ku qoran ee uu dhigaayo ee shardiga ah amaba waajibka ah weliba anagoo akhrinay qodabada sheegaya amaba ka hadlaya shuruudaha madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkaba ee haddii aanu kala saarin qofka ururka iska soo sharaxaya iyo ka kelidii isa soo sharaxaya miyaanay akhriyin qodobka 83aad faqradiisa 7aad ee sheegaysa in qofka madaxweynaha noqonayaa uu (xaaskiisu yahay muslim) waxa ay haddaba faqradaasi inoo cadaynaysaa in ay musharaxiintu ay yihiin Rag ee aanay dumar ahayn, iyadoo weliba qofkaasi (gabadh) ku qanci karto, maadaama aynu nahay % (boqolkiiba boqol) umad muslim ah oo diintooda islaamka iyo sunihii nebiga (nnkha) ku dhaqma oo aanu qur,aanka kariimka ahina sheegayn in ay gabadhi noqoto madaxweyne.

Mida kale akhriste dastuurkeenan aynu %97 aynu ugu codaynay ma in lagu murmaa? Ma in qof waliba sida uu doono u qaataabaa? Ma in aan la qadarininbaa? Haddaba waxa wanaagsan qofku haddii uu doonayo in dalka iyo dadkiisaba uu wax u qabto waa in marka hore (waa inta aanu isa soo sharaxine) uu wax u qabtaa, xilkuna ma aha ka uu qofku ku carraro ee xilku waa ka carara qofka.

Dhinaca kale waxa jirta dhaliilo ka muuqda dhinaca maamulada hoose ee dalku uu aad u liito bal akhriste u fiirso cisbitaalka guud ee magaalo madaxda jamhuuriyada somaliland ee hargeisa,run ahaantii haddii aanu ka warano cisbitaalka guud ee magaalo madaxdan hargeisi waa mid run ahaantii dib u dhac uu ku yimid wax yaalo badan oo aanaynu halkan ku soo koobi karaynin, iyada oo uu weliba uu cisbitaalku uu yahay meel daryeel mudan oo had iyo goor u baahan in la daryeelo oo il qudha lagu eego si loola socdo waxyaabaha uu u baahan yahay si ay bulsho weynta reer hargeisi amaba guud ahaan shacbi weynaha jamhuuriyada somaliland ay aad iyo aad ay ugu farxaan wax yaalaha ay dawladu dadkeeda uqabatay oo ah (wax qabad la taaban karro).

Haddii aanu intaa kaga baxno dhinacaa iyo cusbitaalka guud ee hargeisa, bal akhriste u fiirso maxkamada iyo dawlada hoose ee hargeisa arinka meeshaasi kaa gala waxa uu kugu noqonayaa mashruucii (faanoole).

Haddaba waxa aanu aad iyo aad ula yaaban nahay dadka iyagu aqoonta leh ciday doonto ha ahaatee oo aan dhaamin amaba aad odhan karto( walaahi kaa bilaa aqoonta ah ayaaba xagga caqliga ka wanaagsan kan aqoonta sheeganaya) maah maah soomaaliyeed ayaa tidhaahda (Geela waayeelkiisu dur-duriyaa Aarankiisana maxaad u malayn) ee dadka aqoonta lahaw ha usoo jiidina sumcad xumo dalka iyo dadka jamhuuriyada somaliland ee kor u qaada sharafta, xisiga,sumcada iyo karaamada dalka iyo dadka jamhuuriyada somaliland.

Dadka meelahaa ka hadlana waxa aanu leenahay dastuurak jamhuuriyada somaliland ma.aha sheeko caruureed ee waa halbawlihii iyo ijiinkii dalka iyo dadka somaliland.

Maxamed Axmed Xuseen (maxamed case)
Maxamuud Maxa,ed yuusuf (Guuto) Hargeisa Somaliland

Top


Kursiga Xejista Mooyee Talo Kale May Waayeen

Waxaa wax lala yaabo ah hamadii iyo dardartii xowliga ahayd ee ay ku socotay ummada reer Somaliland iyagoo kalgacal iyo xiiso badan u haya doorashooyinkii iyo dimoqoraadiyadii ay mudada fara badan u soo halgamayeen, iyaga oo is lahaa hada ayuunba gadhadeen, midhaheedana dhawaan baydu ka dhargidoontan, ayey nu argnaa halka maanta ay marayso. 

Meel qofku salaaxo oo madaxiisa ka sareysa ma jirto: Hadaba, dowladii dhamayd ee laga sugayey in ay wax kala hagto, cabashooyinka jira wax ka qabto sida ku shubashada doorashoonka degaanada, meelo badan oo ila hadda gudoomiyayaashii degaanada aan la dooran, Wasiirka Gudahuna ka masuulyahay, dowladuna la ogtahay. Cabashooyinka dhul boobka ka taagan Hargeysa iyo Airportka hareerihiisa. 

Dambiyada loo haysto sida xasuuqii Berbera oo kale iskaga riixdo hadaanad qabin, ayaa inta indhaha isku xidhayn, dhegahana ka furaysatay dantii iyo muhimadii loo balamay oo isu rogtayn dan hal xisbi oo kaliya (UDUB). Qof walba taariikhba ka hadha iyo wax u ummadiisa u horseedo. Qofkii xilka/ maamulka u hayo si fool xun ugu adeegtaana ma qarsoomo. 

Wixii wanaag ama xumaato ay gaadho somaliland indinka aya iska leh ee kala saraa xilka iyo maamulka aad u haysaan ummada reer Somaliland iyo talada UDUB. 

Mohamoud Adagude
Holland

Top


Halaga Hortago Dhibaatada Cabista Sigaarka

Guud ahaan marka laga hadlayo sigaarka waxay dadweynaha ku nool dalka Somaliland u saamaysaa siyaabo kala duwan maadaama dalkeena ay soo galaan noocyo fara badan oo kala gadisan oo sigaar ahi.

Sigaar cabayaashu aad ayay u xiiseeyaan cabida sigaarka oo ay waxwalba oo ay qabanayaan ka hor mariyaan cabida sigaarka.

Dhinaca kale sigaarku waxa uu keenaa cuduro badan oo ay dadweyne badani u dhintaan sida cudurka Kansarka oo aan isagu lahayn wax daawo ah, dawlada kaliya ee uu yeelan karaana ay tahay iyadoo sigaarka la iska dhaafo.

Waxa jira dad badan oo qadarin ay sigaarka u hayaan haddii aad tidhaahdo kaalay naftaada wax u cun ay ku odhanayaan adigu cunoo aniga sigaar ii iibi, taas oo ku tusaysa heerka uu ka taaganyahay qofka cabida sigaarka, sidaa awgeed marka loo soo noqdo xaalada caafimaadka dadka sigaarkaa caba waxay marwalba isugu soo biyo shubtaan qaar aad u liita oo aan marnaba awood ay ku gaadhaan aan lahayn qofka aan sigaarka cabin sigaarku wuxuu wax u dhimayaa koriinka qofka, sambabada, hawa-mareenka hunguriga, afka qofka haddii qofku sigaarka cabaa uu yaryahay waynaantiisa ma helayo awood uu wax ku qabsado, dhinaca kale wuxuu dadajiyaa cimriga qofka sigaarka caba wuxuu u keenaa koriin la’aan.

Waxaa kale oo iyaguna maanta sigaarka aad u caba dhalinyarada soo koraysa oo wakhtigoodii ku lumisay cabida sigaarka iyo qaadka taas oo mushkilad balaadhan ku haysa waalidiinta iyo mustaqbalka dhalinyarada marka ay inta badan wakhtigooda ku lumiyaan sidii ay u heli lahaayeen balwadooda taas oo laga yaabo inay u horseedo dhibaato aanu qofku ka soo kaban karin.

Da’yarta Somaliland ayaa marka la qiimeeyo inta cunta qaadka sidoo kale cabta sigaarka ayaa lagu qiyaasaa 50% taasina waxay halis ku tahay mustaqbalka dalkeena iyo dhalinyara, maadaama la garan karo dhibaatada caafimaad ee ay bawladahani u leeyihiin cidii caadaysata.

Sigaarka ayaa isagu ka sii xag jira oo halis ku ah jiritaanka qofka sababtoo waxa uu dhalinayaa cuduro aan dawo lahayn.

Gababadii waxa aynu dhamaanteen ka wada dharagsanahay in uu sigaarku leeyahay dhibaatadaa caafimaad hadana waxa jira dad badan oo wali caba sigaarka, haddaba waxa loo baahanyahay in la sameeyo wacyi galin si loo helo in la dhimo tirada sigaar cabayaasha.

Waxanan u soo jeedinayaa dadka caba sigaarka inay ku dadaalaan inay iska joojiyaan cabitaanka sigaarka.

Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig)

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  1. Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  2. Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 83aad

Mingistu: Markii ay arintu gaadhay heer murug ah ayaa dadkii shicibka ahaa qof waliba ku talaabsaday ama sameeyey sidii ay la noqotay, taasina waxay keentay in qof kastaaba inta uu qof waliba waxa uu doono sameeyo ay ciddina sharciga marin waydo. Tusaale ahaan kooxihii qabalayga iyo qofkastaa wixii dembi ah ee uu geysto ayaa la awoodi kari waayey in si sharciga waafaqsan wax looga qabto. Sidaa darteed dadka aan waxba ka ogayn sidii ay berigaa xaaladdu ahayd, laakiin maanta qofka ku sugan dhul xasilooniyi ay ka jirto, isla markaana ay xukun iyo kala dambayni ka jirto maanta aad ayey ugu fududahay inuu yidhaahdo maxaa berigii sidaa iyo sidaa loo yeeli waayey, balse waxa loo baahan yahay in la fahmo sidii ay xaaladdu berigaa ahayd. Waayo berigaa afarta dhinac-ba dagaalo ayaa nagaga socday , sidaa darteed lagama yaabo inay ciidamadu wax lug ah ku lahaayeen ololihii casaa, maxaa yeelay muu jirin wax ciidan ah oo anaga magaalooyinka noo joogay oo xataa boolisku xiligaa may joogin magaalooyinka dhexdooda, waayo booliska waxaanu geynay meelaha xuduudaha ah iyo furinta dagaalka. 

Tusaale ahaan ciidamadii booliska ee joogay dhinaca Nageyle inta la ururiyey si ay Somalida uga hortagaan waxa la geeyey meelaha xuduudaha ah. Sidaa darteedna haba yaraatee may jirin wax ciidan ah oo dhexjoogay magaalooyinka gudahooda, ta kale xataa anaga laftayadu maanu haysan cid na ilaalisa (body Guard) oo xataa hadii ay jirtay cid na ilaalisaa waxa nala joogay waxoogaa yar, markaa ciidanka Itoobiya sida uu u dhan yahay waxa kala joogay waqooyiga iyo bariga dalka Itoobiya, waxayna ahayd xili aanu cid walba xagga dagaalka u dirnay, sidaa darteed duqaydii iyo kuwii kale ee aanu ruqsada siinay inta aanu u bixinay aabayaashii dagaalka ayaanu u diray goobaha dagaalka. Sidaa awgeed ciidamada oo dhami waxay la dagaalamayeen cadawga , laakiin hadana ciidamadu iyaga oo dagaalka ku jira ayey IHABA-du inta ay dhex-tagto waxay ku odhan jirtay "Yaad u dagaalamaysaan."

Hadaba markii aanu galay jawiga sidaa u cakiran ayey nagu khasabtay inaanu shicibka hubayno si ay iyagu lafahooda isugu difaaci karaan. Waayo hadii kale shicinka laftiisu dhulka laga gudbay (la qabsaday) awgii waxa la gaadhay heer ay nagu kici gaadheen. Laakiin anagu sideedaba ereyga ah "ololihii casaa" weligayo maanu maqal, balse marka laga hadlyo ereyga "Ololaha cas" halka uu ka yimi ilaa iyo aasaaskiisa waxa lahaa kacaankii Ruushka, waayo kacaankii Ruushku bilowgiisii waxa dhacday taariikh noocaas oo kale ah, taas oo la sameeyey olole la isku baabi’iyey, laakiin cidda sidaa samaysay may ahayn kuwii kacaanka ka soo horjeeday ee waxay taasi ka dhexdhacday kuwii kacaanka laftiisa isku waafaqsanaa, kuwaas oo inta ay isu qaybiyeen olole cad iyo olole cas ayey Mienshevikooch iyo Boolshevikooch dagaal iskaga horyimaadeen.

IHABA-du markii ay bilowday inay mudanayaashii laayaan ayey yidhaahdeen "Tani waa ololihii casaa, jawaabtuna waxay tahay ololihii casaa", ka dibna shicibkii ayey dhexgeliyeen dareen macno wada tashi ah, taas oo joornaalada lagu daabacay, waraaqo ayaa la qaybiyey, isla markaana shirar wada tashiyo ah ayaa la qabanayey, go’aamana waa la gaadhayey. Laakiin waxa su’aal waqtigaa taagan ahayd IHABA-du wixii ay hawl-galada ololaha cad ku geystaam waa in ololaha cas loogaga jawaabaa.

Ganat: Labada olole jawaab haba isu ahaadeen, laakii su’aasha meesha taal waxay tahay miyey ahaayeen laba wax oo siman, waayo ololihii casaa waxa ku naf-waayey fac dhan oo dhalinyaro ah,, isla markaana sida dadka loo dilayey waxay ahayd si silic ah oo bini’aadminimada ka baxsan, waayo waxa dhici jirtay in qofka dhalinyarada ah inta la dilo, ka dibna maydkiisa inta la soo qaado in iridda guriga waalidkii lagu hortuuro, isla markaana qoyska uu ka dhintay laga qaado qiimihii rasaastii lala dhacay, sidaa darteed arimaha caynkaas oo kale ah ee ku xidhiidhsanaa ololihii casaa marka la eego waxay u muuqdaan kuwo naxariis daro ah, ta kale hawl-galkii la qaadaba waxa dhici jirtay inay qoyskiiba ku waayaan afar iyo ilaa shan caruur ah, taa ka warran?

Mingistu: Waa su’aal wanaagsan, laakiin waxa loo baahan yahay inaanu maxkaxdayada waydiino oo aynu daymoono xiligaa jawigii aanu ku jiray sida uu u ekaa. Sidaa darteed waqtigaa waxaanu ku magacownayn hogaamiyayaasha dalka, balse hadii aanu iska nidhaahno waxaanu ahayn dawlad, su’aashu waxay tahay dawlad noocee ah ayaad ahaydeen?

Waxaanu ahayn dawlad jilicsan, isla markaana waxaanu madax ka ahayn dawlad dhinac walba laga soo weeraray, taas oo goobo kala duwan oo xuduudaha dalka ah inta cadaw naga soo weeraray aanu xataa awoodi kari waynay inaanu iska celino, taas darteedna waxay ahayd xili ay xaaladda dalku aad u xumaatay. Tusaale ahaan waxay ahayd waqti ay ciidamadii caadiga ahaa inta ay nagu filaan waayeen ay dantu nagu keliftay inaanu duqaydii 70 jirka iyo 80 jirka ahaa goobaha dagaalka geyno oo ay dagaalamaan.

Hadaba si aanu dadka ugu soo dhowayno jidkii kacaanka ayaanu samaynay wax alaale wixii karti iyo dedaal ah ee la awoodi karayo oo dhan. Hase yeeshee markii ay arimuhu awoodayadii dhaafeen waxba waanu ka qaban kari waynay...

La soco cadadka dambe. 

Top


Guurkii Dhexmaray Jinka Iyo Insiga 

Q: 7aad Qiso Dhab Ah - Waxa Ka Sheekeeyay Xasan Olol; Waxa Waraystay Weriye Liibaan M. Shire

Xasan Olol markii ay afadiisii jinka ahayd, Aamina suldaan ugu timi Caddan ee ay u sheegtay in guur loo soo doonay gabadh uu dhalay oo 9 jir ah waxa uu sheegay inuu fajac iyo amakaag u soo baxay, ka dibna yaabkii uu yaabay markii warkaa loo sheegay ayuu lama filaankii yidhi "Bismilaahi Raxmaani rixiim", laakiin marka uu bisinka qabsanayey wuu ilawsanaa dardaarankii uu siiyey soddogii Suldaan Aar, sidaa darteed Xasan markii uu bisinka bisinka qabsaday ayuu Aamina suldaan nuurigeedii waayey, wuxuuna Xasan Olol magaalada Caddan ku sugnaa muddo lix sannadood ah, ka dibna Xasan Olol waxa uu Caddan ka soo laabtay oo uu dalka yimi, iyadoo aanay isaga iyo Aamina wax xidhiidh ah yeellan, wuxuuna markaa yimi magaalada Hargeysa, iyadoo uu xiligaasi ahaa sannadihii dhawr iyo toddobaatanaadkii, laakiin Xasan Olol, isaga oo ka hadlaya imaatinkiisii Hargeysa wuxuu yidhi, "Waxaan Caddan iska soo balweeyoba waxaan imi Hargeysa, dabadeedn markii aan inmuddo ah joogay magaalada Hargeysa ayaa maalin maalmaha ka mid ah aniga oo bahal busaarad ah la ildarran oo meel kaabad ah ku fadhiya waxa I soo hor maray gaadhi yar oo ay Aamina suldaan saarran tahay, ka dibna markii aan arkay ayaan indhaha la raacay, dabadeedna markii uu gaadhigii marayey meel agtayda ah ayey Aamina ii soo tuurtay masar xariir ah oo ay ku soo xidhay lacag aad u tiro badan, ka dibna markii ay lacagtii ii soo tuurtay ayey I dhaaftay, iyadoo aan ila hadlin, wixii mudadaa ka dambeeyeyna wax xidhiidh ahi nama dhexmarin."

Xasan Olol waxa uu sheegay inay Aamina suldaan u dhashay 14 caruur ah, laakiin waxa uu sheegay inay Aamina la soo xidhiidhi lahayd hadii ay nooshahay, sidaa darteed uu Aaminsan yahay inay dhimatay, sidoo kale waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi "Aamina suldaan hadii ay caruurtayda u sheegi lahayd inaan anigu aabahood ahay way ila soo xidhiidhi lahayd, laakiin waanay u sheegin."

Xasan Olol waxa kale oo uu ku kaftamay inay niman reer Somaliland ah sheegteen inay Aamina suldaan iyaga ahayd, sidaa darteed ay yaradkii iyo xaal-ba ka doonayaan, maadaama bay yidhaahdeen aad sheegtay inaad gabadha oo qaawan oo dabaalanaysa lugaheeda kala dhexmartay, wuxuuse Xasan taa kaga jawaabay inuu ogol yahay waxaas oo dhan, laakiin uu iyagana uga fadhiyo xaaskii iyo 14-kii caruurta ahaa. Hase yeeshee Xasan olol waxa uu guursaday gabadh kale oo iyadu Insi ah. (dhamaad).

Top