Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 268 February 13, 2003

Meher Wacan

Shir-Hawleed Lagu Lafa-Gurayo Xaaladda Xuquuqda Aadamaha Ee Somaliland Iyo Somaliya Oo Ka Furmay Hargeysa

Maxamed-Rashiid Sh. Xassan Oo Olole Siyaasadeed ka Bilaabay Boorama

Caynaba: Mudaharaad Iyo Dhagax-Tuur Sababay In Lagu Kala Dareero Shir Lagu Dooranayay Mayor Iyo Mayor Ku Xigeen

Madaxweyne Rayaale Ma Fuliyay Ballan-Qaadyadii Bilowgii?

Odhaahda Akhristaha

Dhambaalkii C/Raxmaan Tuur, Saamaynta Somaliland Iyo Ciiro-Isku-Qarinta UDUB

Somaliland Uma Baahna Khal-Khal iyo Danaysi Gaar ah

Waxaanu Taageeraynaa Mawqifka Ururka SSJW

Kuwii La Dulmiyay Xaq Iyo Xeer Toona Lama Marin

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Wararka Dibadda

Dawladda Qatar Oo Ku Baaqday Shir Aan Caadi Ahayn Oo Ay Isugu Yimaadaan Dalalka Islaamku

Sicirka Saliida Oo Sare U Kacay Suuqyada Caalamka

W/Kuuriya Oo Ku Hanjabtay Inay Weerarayso Goobo Maraykanku Leeyahay

Xuska Sannad-Guurada 30-Aad Ee Tima-Cadde

IFTIINKA ISLAAMKA

GAAS AND XAASHI ELECTRIC POWER

Meher


Meher Wacan

Guddoomiyaha Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Xaaskiisa, Iyo Dhammaan Tifaftirayaasha, Weriyeyaasha, Qorayaasha Iyo Dhammaanba Shaqaalaha Haatuf, Axmed Ducaale Bulaale Iyo Xaaskiisa, C/Fataax Maxamuud Caydiid Iyo Xaaskiisa, M-Rashiid Muxumed Faarax Iyo Xaaskiisa, Axmed Cali Garas, Siciid Guraase, M/Amiin Xuseen Jibriil, Carraale Maxamuud Jaamac, Xasan Xoosh, Axmed Muxumed Faarax, C/Casiis Kuweyti, Cabdallah, C/Baasid, Axmed Jaamac, Cabdi Xasan Iyo Xaaskiisa, C/Raxmaan Xasan, Xuseen Khaliif, C/Fataax Dheeg, Muuse M. Muuse, C/Raxmaan X. Daahir (Casaan), Maxamed Cumar, Maxamed Xasan, Axmed Aadan Yuusuf, Axmed Jaamac, Muna, Saynab, dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa 

Meher Wacan
Suldaan C/Laahi Suldaan Cali, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Suldaan Maxamuud X. Xuseen, Boqor Maxamuud Cali Carab, Suldaan Maxamed Xirsi Qani, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Sul. Maxamed Cabdi Cali, Sul Sheekh Muuse Jaamac Goodaad, Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe), dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa 

Meher Wacan
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Xasan Cabdi Khayre, Mustafe X. Cabdi Cawad, C/Raxmaan Yuusuf Cartan, Xasan Gaafaadhi Iyo Xaaskiisa, Axmed Aadan Cali (Goodir), Maxamed Shire (Farabadane), Ibraahim Indho-Cawle, Maxamed Kaahin Axmed, Aadan Tarabi Oogle, Cabdi Faarax (Faarax-Bootaan), C/Laahi Xayir, Axmed Tarabi Ciise, Xildhibaan Aadan Shire Faarax, Xildhibaan Maxamuud Xaashi Cabdi, Maxamed Xuseen Yuusuf, dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa

Top


Shir-Hawleed Lagu Lafa-Gurayo Xaaladda Xuquuqda Aadamaha Ee Somaliland Iyo Somaliya Oo Ka Furmay Hargeysa

Waxa Kasoo Qaybgalay Wakiilo Ka Socda Qaybaha Somaliya Iyo Hay’adaha Caalamiga Ah Ee Xuquuqda Aadamaha

Hargeysa (Haatuf): Shir-hawleed caalami ah oo lagu lafo-gurayo xaaladda xuquuqda aadamaha ee Somaliland iyo Somaliya ayaa maalintii shalay ka furmay Hotelka Ambassador ee Hargeysa.

Shir-hawleedkan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda ICD, waxa kasoo qaybgalay wufuud ka socota ururada xuquuqda aadamaha ee ka hawlgala qaybo ka tirsan Somaliya sida Puntland, Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo xubno ka socda ururada xuquuqda aadamaha ee ka jira Somaliland.

Waxaa kale oo iyaguna kasoo qaybgalay wakiilo caalamiya oo qaabilsan Xuquuqal-insaanka oo ay ka mid yihiin Qaanim Al-Najaar oo ah khabiirka gaarka ah ee Arrimaha Xuquuqal-insaanka Q.Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Martin Hill oo ka socda hay’adda Amnesty International iyo hawlwadeeno u ololeeya xuquuqda aadamaha sida Raaqiya Oomaar oo reer Somaliland ah, India Sajok oo ka socota mac-hadka caalamiga ah ee garsoorka fal-dambiyeedyada oo iyadu hore ugu dooday dumarkii Shiinaha iyo Filibiin ee ay ciidamadii Jabaanku ku fara-xumeeyeen xeryo ay ku oodeen, Dorothy Abbel oo ka socota ururka la yidhaa NOVIB oo ka dhisan dalka Holland iyo Deboral Ossiya oo ka socota hay’adda ICD, una dhalatay Kenya.

Shir-hawleedkan oo lagu wado inuu socdo muddo laba maalmood ah, waxa lagu lafo-guri doonaa arrimaha xuquuqda aadamaha ee Somaliland iyo Somaliya. Sannadkii 1998-kii ayaa hay’adda Amnesty International shir-hawleedkan oo kale ku qabatay Hargeysa, balse waxay ahayd mid ka kooban tan haatan, iyadoo ku koobnayd Somaliland oo qudha.

Habeen horena waxa lagu qabtay Hotel Maansoor xaflad gogol-xaadh u ahayd shir-hawleedkan xalay furmay, waxaana hadalo ka jeediyay Martin Hill iyo Dr. Qanim Al-Najar oo ka warbixiyay ujeedada shir-hawleedkan laga leeyahay iyo guud ahaanba sida ay u arkaan xaaladda guud ee Somaliland.

Top


Maxamed-Rashiid Sh. Xassan Oo Olole Siyaasadeed ka Bilaabay Boorama

Boorama (Haatuf):- Proff. Maxamed-rashiid Sh. Xasan oo tartan ugu jira musharaxnimada jagada Madaxweyne ku xigeenka ee ururka KULMIYE ayaa maalintii shalay la hadlay dadweyne ka tirsan reer Boorama.

Sida uu ku soo warramay weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar, kulanka uu Maxamed-rashiid kula hadlay dadka waxa uu ka dhacay guri ku yaala Boorama, kadib markii loo diiday fagaaraha Dawladda Hoose, oo uu dadka kula ballan-sanaa, waxaanu dadka kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin ujeedada uu isku soo sharraxay iyo xaaladda guud ee dalka oo uu wax ka taataabtay.

Maxamed-rashiid Sh. Xasan isaga oo ka hadlaya sababta ay isaga iyo rag kale oo reer Boorama ahi ay isaga soo sharraxeen xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay inuu yahay ururka ay reer Boorama ugu taageerada badan yihiin.

Maxamed-rashiid Sh. Xasan waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha Siyaasadda ee dalka, waxaanu sheegay in ictiraafku iman karo haddii si habboon loogu hawlgalo maamulkana dalka la wada gaadhsiiyo.

Ugu dambayn, Maxamed-rashiid waxa uu ka codsaday dadka uu la hadlay inay taageeraan, iyaguna waxay weydiiyeen su’aalo kala duwan.

Top


Caynaba: Mudaharaad Iyo Dhagax-Tuur Sababay In Lagu Kala Dareero Shir Lagu Dooranayay Mayor Iyo Mayor Ku Xigeen

Caynabo (Haatuf):Shir loogu talo galay in lagu doorto maayarka iyo maayar-xigeenka degmada Caynabo ayaa maalintii shalay lagu kala dareeray, ka dib markii uu halkaa ka bilaabmay muran xoog leh oo sababay mudaharaad iyo dhagax-tuur lala beegsaday goobtii shirku ka socday, taasina ay keentay in lagu kala yaaco, iyadoo aan waxba la dooran.

Sida uu ku soo waramay Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsan oo maalintii shalay booqasho ku tegay Caynaba ayaa warbixin nooga soo diray sida ay wax u dhaceen iyo halka ay sartu ka qudhuntay, waana tana warbixintii:

"Badhasaabka gobolka Togdheer, Cali Cabdi Hure oo hogaaminaya niman kale oo saraakiil dawladda ah ayaa barqadii shalay abaaro 10:00 gaadhay magaalada Burco, iyaga oo ka soo kicitimay magaalada Burco, waxayna weftiga badhasaabka ujeedada socdaalkooda Caynaba ahaa inay ka qayb galaan xaflad loogu talo in lagu doorto maayarka iyo maayar-xigeenka degmada Caynabo aan weli la dooran, laakiin may suurtagelin in wax la doorto, sidaa darteedna badhasaabka iyo weftigiisu waxay isla shalayba dib ugu soo laabteen magaalada Burco, ka dib markii lagu guul-daraystay in la doorto maayarka iyo maayar-xigeenka degmada Caynabo, waxaana goobtii shirku ka socday oo ahayd hoolka shirarka ee xarunta dawladda hoose lala beegsaday mudaharaad iyo dhagax-tuur sababay in meesha lagu kala dareero.

Degmada Caynaba oo ka mid ah degmooyinka "C" tirada goleheeda degaanku waxa weeye 13 xubnood, laakiin kulankii shalay ee la doonayey in lagu doorto maayarka iyo maayar-xigeenka waxa iska soo xaadiriyey 15 xubnood oo dhammaantood sheeganaya gole degaan, laakiin waxa meesha yimi 4 xubnood oo ay laba waliba goonidooda u sheeganayaan inay yihiin xubnaa sharciga ah ee ku soo baxay doorashadii golaha degaanka, iyadoo ay afarta xubnood ee muranku ka dhex-oogan yahay ka soo jeedaan ururka ASAD oo ka mid ah saddex urur-siyaasadeed oo liisaskii musharaxiinta golaha degaanka ka dhiibtay degmadaa, ka dibna ku tartamay, sidaa darteedna xubnaha golaha degaanka Caynaba waxay ka kooban yihiin saddexdaa urur ee halkaa ka tartamay oo kala ah UDUB, ASAD iyo KULMIYE.

Marka la eego 13 xubnood ee golaha degaanka Caynaba KULMIYE wuxuu leeyahay 7 xubnood, ASAD-na 4 xubnood, halka uu UDUB leeyahay 2 xubnood, laakiin isbedel doorashada ka hor lagu sameeyey liiska musharaxiinta ASAD ee degmada Caynaba ayaa keenay muranka, taas oo markii isbedelka lagu sameeyey liiska musharaxiinta ASAD la sheegay inay meesha ka baxeen labada xubnood ee kala ah: Maxamed Aadan Cilmi iyo Axmed Cabdi Yuusuf, waxaana isbedelka la sameeyey dartii meesha soo galay labada xubnood ee kala ah: Maxamed Cabdi Axmed (Halac) iyo Maxamed X. Faarac Cali, sidaa darteed afartaa nin ayaa mid waliba dhiniciisa ka soo fadhiistay shirka, iyadoo ay qolo waliba dhinaceeda leedahay anaga ayaa ah xubnaha sharciga ah ee ku soo baxay golaha degaanka. 

Laakiin badhasaabka Burco ayaa markii uu shirku furmay kala saaray afartaa xubnood oo laba ka mid ah meesha ka saaray, isaga oo badhasaabku madasha ka akhriyey qoraal Hargeysa ka tegay oo lagu kala cadaynayo labada xubnood ee sharciga ah, wuxuuna badhasaabku isaga oo kala saaridda afartaa xubnood ka hadlaya yidhi "Xubnaha ururka ASAD ee la isku bedelay ayaanu arintooda muddo ka shaqaynaynay sidii ay meel isugu lugo duwan lahaayeen, waxaana arintaa isugu tegay guddiga doorashada Qaranka, wasiirka arimaha gudaha iyo gudoomiyaha iyo golaha dhexe ee ASAD, waxayna dhinacyadaasi isla garteen inuu ansax yahay qoraalka dambe ee ay soo gudbiyeen guddiga dooorashada degmada Caynaba iyo ururka ASAD, wuxuuna sharcigu dhigayaa in wax ka bedelka xubnaha uu xisbigu xaq u leeyahay, laakiin aanay xaq u lahayn guddiga doorashada iyo reer toona, sidaa darteed ururka ASAD wuxuu sheegay inuu wax ka bedelay liiskii musharaxiinta, taas oo uu xubno ku jirayna meesha ka saaray, xubno kalena soo geliyey, ka dibna guddiga doorashada Qaranka ayaa la soo hadlay guddiga doorashada Caynaba, una soo diray qoraal uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka, Axmed Xaaji Cali Cadami, arintaasina waxay ahayd arin la isla ogolaaday oo laga heshiiyey". 

Laakiin markii ay hadaladaasi badhasaabka afkiisa ka soo baxeen ayaa waxa markiiba hoolkii shirku ka socday ka aloosmay muran iyo buuq cirka isku shareeray, taas oo ay qolo waliba dhinaceeda leedahay anaga sharci ah iyo anagaa sharci ah, laakiin waxa meesha laga saaray labadii nin ee liiskii hore ku jiray ee la sheegay in la bedelay, Maxamed Aadan Cilmi iyo Axmed Cabdi Yuusuf. Hase yeeshee markii debedda loo soo tuuray labadii nin ee meesha laga saaray waxa markiiba mudaharaad iyo dhagax-tuur ku bilaabay madashii shirku ka socday kooxo dadweyne ah oo taageersan labadaa nin, taasina waxay keentay in shirkii lagu kala dareero, iyadoo aan waxba la dooran.

Muranka afartaa xubnood waxa uu sababay laba kooxood si weyn isaga soo horjeeda, arintaasina waxay degmada Caynaba ka dhalisaya xiisad kulul oo ismariwaa ah, laakiin Maxamed Yuusuf oo ka soo jeeda garabka xubnaha meesha laga saaray ayaa mar wax ka waydiiyey arintan wuxuu yidhi "Liiskaygii ASAD iyo Saleebaan iyo guddi ma bedeli karaan, waayo Saleebaan waxa uu u sharaxnaa Madaxweyne aniguna waxaan golaha degaanka, waana soo baxay, markaa in lay bedelo waa calaacashaa oo timo yeelatay, nimankaasina (Labada kale) waa xaaraan waxa ay wataan."

Sidoo kale waxaan isna arintan wax ka waydiiyey Maxamed Cabdi Axmed oo xubnaha uu badhasaabku sheegay inay sharci yihiin ka mid ah ayaa yidhi "Sida uu badhasaabka iyo gudoomiyaha komishanku cadeeyeen ayaa xaq ah, hadii cid la dulmiyeyna anaga ayaa nala dulmiyey oo khalad weyn nalaga galay."

Arintan uu murankeedu muddo soo jiitamayey, isla markaana sababtay inuu maamulka degmada Caynaba ilaa hadda dhismi-waayo waxa la filayey inuu kulankii shalay kuu soo afjarmi doono, halkaana lagu doorran doono maayar iyo maayar-xigeen cusub, laakiin hadda waxay u muuqataa inay arintu cirka ku sii laalantay."

Top


Madaxweyne Rayaale Ma Fuliyay Ballan-Qaadyadii Bilowgii?

Faallo --- Carraale M. Jaamac

Wax yar ka dib markii uu kursiga ku fadhiistay Madaxweyne Rayaale waxa uu markii u horaysay meel fagaare ah ka hadlay 18-kii bishii May ee kal hore, maalintaas oo ahayd xuskii sannad-guuradii 11aad ee la soo noqoshada madax banaanida Somaliland oo sannad kasta la xuso 18-ka May, waxaana maalintaa Madaxweyne Rayaale khudbadiisa dhegaysanayey kumanaan dadweynaha caasimadda Hargeysa ku dhaqan ah, laakiin qiimaha munaasibadda loo dabaal-degayey ka sokow waxay dadweynaha isu soo baxay aad ugu dheg-taagayeen bal waxa afkiisa ka soo baxa Madaxweyne Rayaale oo ay ahayd markii u horaysay ee khudbad la fuulo meel fagaare ah isaga oo Madaxweyne ah, taas oo ay xiligaa dadku naawilayeen inuu Madaxweyne Rayaale sameeyo isbedel cusub. Hase yeeshee khud-bad aan taf-dheerayn oo weliba qornayd ayuu Madaxweyne Rayaale maalintaa jeediyey, waxaana ka mid ahaa ballanqaadyadii uu khudbadiisaa hoosta kaga xariiqay wax ka qabashada xaaladda cadaaladda iyo musuqmaasuqa iyo weliba waxyaalo kale, ka dibna dadweynihii fagaaraha hoganayey sacab dhawaaq kulul ayey ku dhuftay, waayo Madaxweyne Rayaale waxa uu taabtay laba arimood oo ay dadku aad ugu oommanaayeen wax ka qabashadooda.

Madaxweyne Rayaale wax aan badnayn khudbadiisaa waxa uu isbedel balaadhan ku sameeyey waaxda garsoorka, taas oo la eryey garsoorayaal badan, meeshoodiina kuwo cusub lagu bedelay, arintaasna inkasta uu kooxaha mucaaradka qaarkood dhaliileen farsamada loo maamulay eriga gudoomiyayaasha iyo garsoorayaasha maxkamadaha, hadana dadweynuhu dhinacooda aad bay u soo dhoweeyeen. Laakiin hadii la iswaydiiyo su’aasha ah isbedelkii lagu sameeyey waaxda garsoorka muxuu ka bedelay tawstii dhinaca cadaalad darada ee ay dadku la qaylinayeen, waxay taa jawaabteeda dadka tibaaxaha dhinaca garsoorka ka soo yeedhaa jawaabta dhigaan meel dhexe. Hase yeeshee arinta musuqmaasuqa ee uu Madaxweyne Rayaale khudbadiisii fagaaraha khayriyadda ku xusay inuu wax ka qabanayo ilaa hadda waxba kama qaban, iyadoo ay arinta musuqmaasuqu ka mid tahay dhaliilaha ugu waaweyn ee kama kacdada ah ee xukuumadda Somaliland had iyo goor dhafoorka kaga yaal.

Sida ay tibaaxayaan wararka la xidhiidha dhinaca miisaaniyadda dawladda iska daa wax laga qabto’oo waxay wararku leeyihiin waxay xaaladda dhaqaale sannadkii u dambeeyey gaaddhay heerkii ugu xumaa, taas oo la leeyahay dakhligii soo baxay "Haad iyo haan-raawaa ka dhergay", sida ay wararka dhinaca maaliyadda la xidhiidhaan sheegayaana waxa fuuq-baxa ugu weyn ee dhaqaalaha dawladda sababay kharash xoog leh oo ay dawladda iyo xisbigeeda UDUB ku galeen ololihii doorashadii dawladaha hoose . Sidaa darteed sida ay warar xog-ogaal ahi tibaaxeen maalmihii u dambeeyey fuuq-baxa dhaqaale ee bilihii u dambeeyey soo waajahay miisaaniyadda dalka waxa uu keenay inay maamulayaasha wasaaradda maaliyaddu ilaa hadda diyaarin karin waayaan miisaaniyaddii sannadka 2003, iyadoo uu sharcigu ahaa in ugu dambayn bishii Nofembar ee sannadkii 2002 la horkeenio golaha wakiilada si ay u ansixiyaan, taasina ilaa hadda ma dhicin, waxayna wararka dhinaca dhaqaaluhu tibaaxayaan inay kiishada dawladdu badhamada isla dhacayso lacag la’aan awgeed.

Inkasta oo soo shaac bixin waxa mudooyin dhexe oo la soo dhaafay jiray warar sheegaya inuu is-casilaad ku tiraabay gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, C/raxmaan Ducaale, taasna waxay dadka soo weriyey ku sababaynayeen inuu wis-wisay markii uu arkay khasnadii dhexe dawladda oo haawanaysa, laakiin ma jiraan warar isa soo taray oo shaaca ka qaadaya inay jirtay iscasilaadda gudoomiyaha baanka dhexe.

Marka laga yimaaddo labada arimood inkasta oo aanu isagu ku darin ballanqaadyadiisii bilowgii, hadana waxyaalaha ay bilowgii dadku aad uga naawilayeen waxa ka mid ahaa inuu isbedel ku sameeyo dawladdiisa, laakiin taasi may dhicin, waxayna runtii niyad-jab ku noqotay dad aad u badan door-bidayey inuu Madaxweyne Rayaale bilowga hawshiisa ku aftaxo xukuumad macaanshiinyo dhaanta ta seedi u dhanaanayn ee uu waqtigan xaadirka ah horjoogaha ka yahay.

Top


Odhaahda Akhristaha

Dhibaatada Uu Ku Hayo Gudniinku Hablaha

Gudniinka fircooniga oo ah aafo haysata hablaha Soomaaliyeed ayaa dadka badidiisu aaminsan yihiin in uu yahay waxa ay diintu farayso, taas oo aan sinaba looga dhaadhicin karin dadka qaarkiis.

Gudniinka fircoonigu waa in la naafeeyo xubnaha galmada ee haweenka. Haddaba gudniinkan oo laga isticmaalo waddamo badan oo Afrikaan ah waxa uu dhibaato u geystaa haween badan, waxa lagu qiyaasaa in sannad kasta haween ka badan 60 milyan uu u geysto xaalado caafimaad-darro sida:

  1. Dhiig-bax (Heavy bleading)

  2. Kaadida oo haweenka ku dhegta

  3. Caabuq (Infection)

  4. Teetano (Tetanus)

  5. Dhimasho (Death)

Intan oo xaaladood waa marka lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah, laakiin waxa mustaqbalka ku soo baxaaya xanuuno ay ka cawdaan sida; 

  1. Caadada oo ay gabadhu ka cabato

  2. Foosha oo ku dheeraata

  3. Iyo caabuq ku dhaca kaadi-mareenka

Waxaas oo dhan waxa ka daran iyada oo lagu kala qaado xannuunka halista ah ee HIV Aids qalabka loo isticmaalo marka dumarka la gudayo, taas oo ka dhacda meelo ka mid ah dalkeena.

Noocyada Gudniinka
Sida la sheegay gudniinkiu waa Saddex qaybood oo kala daran. Soomaalidu waxay isticmaashaa ka ugu daran ee ah Fircooniga, kaas oo khatar ku ah banii’aadnimada, waxa la sameeyaa iyada oo la jar-jaro xubnaha galmada, iyagoo si ba’an loo gooyo, kadibna la tolo taas oo weliba la adeegsanayo mal-mal, qodax, dun adag iyo xadhig lagu xidho cagaha hablaha.

Noocan waxa ku dhaqma waddamada kala ah; Somaliland, Kenya, Jabuuti, Somaliya, qaybo ka mid ah Sudan, Mali iyo waddamo kale.

Diinta islaamka iyo gudniinka
Hooyooyin badan oo aaminsan inay diinta islaamku ina farayso gudniinka ayaa ahaa fikrad qaldan iyo inanta aan la gudin oo la yidhaa hebla weli lama xalaalayn, taas oo khalad cad ah.

Mida kale, xalaalaynta gabdhaha ayaa ah dhaqan soo jiray muddo dheer oo la kala dhaxlay, taas oo aan si fudud looga fuqi karin. Haddaba, diinta islaamku maxay ka qabtaa gudniinka?

Waxa jira xadiis Nebigu SCW yidhi; "Ursii, laakiin ha wada goyn, hana ku talax-tegin."

Inkastoo culimadu yidhaahdaan hablaha waa in layska daayaa, haddaba ma islaamka oo keliya ayaa guda hablaha? Maya waxa guda dad badan oo aan islaam ahayn, islaamka kahorna gudniinku wuu jiray. Dhinaca caafimaadka, dhakhaatiirta ku xeel-dheer caafimaadku aad bay uga dayriyeen gudniinka gebi ahaantiisaba.

Haddaba waa in laga hortagaa gudniinka iyo wixii halis ku haya bulshada sida HIV/Aids, iyadoo lagu baro ardayda dugsiyada, loona adeegsado warbaahinta iyo boodhadh lagu dhejiyo shaaricyada iyo garamo loo qaybiyo umadda iyo iyadoo la adeegsado culimaa’udiinka umadda iyo wax-garadka.

Siciid Cumar Yuusuf.

Top


Dhambaalkii C/Raxmaan Tuur, Saamaynta Somaliland Iyo Ciiro-Isku-Qarinta UDUB

Waxaa soo if-baxaya oo maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraya sida ay Somaaliland ugu sii socoto in ay ku dhacdo bohol dheer oo si xir fadaysan looga soo shaqeeyey. Nasiib daro bohoshaasi ma soo wada iftiimi doonto in muda ah, dad badana waxay ku qaadan doontaa in ay ku fahmaan wakhti ama mudo aad u dheer. Waar ileyn tani isma barato!!! Hore ayaa loo yidhi "ilow shiinyo dhawaa ma umulbaa!!!"

Waxaa wax aad looga naxo ah in Abdirahman Ahmed Ali oo ah madax weyne ku xigeenka Xuseen Caydiid, ahaana madax wenihii ugu horeeyey Somaliland ee ku duula magaalo Somaliland ah una geysta xasuuq aad u badan sidii tii kadhacay magaalada BerBera, ay maanta Dawladii Somaliland (UDUB) si heer sare ah ugu soo dhaweeyeen madaarka magaalo madaxda Hargeysa. 

Abdirahman wuxuu ahaa nin ay umada reer Somaliland aad ugu han weyn tahay laakiin wuxuu ku noqday laf dhabar jab dhamaan umada reer Somaliland. Abdirahman wuxuu meelkasta ka sheegay ilaa idaacada BBC, inaan wax Somaliland layidhaahdaa jirin. Wuxuu noqday madax weyne ku xigeenka Xuseen Caydiid, ilaa iyo hadana lama sheegin meesha uu xilkaas ku wareejiyey amaba kaga uu tanaasuley. Wuxuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in aan la’arag meel Somaliland ka jirto oo uu baa bi’iyo. Nasiib wanaag waxay noqotay tii Alle oo tiisii way noqon weydey. Waxaana arintaa gaashaanka u daruuray Alle how naxariistee madax weyneheenii Mohamed Ibrahim Igal oo waayo aragnimadiisii iyo khibradiisii Alle hibo u siiyey ay u fududay say inuu si fudud mayalka ugu hayo cadawga Somaliland meelkasta oo ay joogaanba. 

Mudo aan fogeyn wuxuu Abdirahman cadeeyey inaanu weli bedelin mawqifkiisii hore ee ee ahaa diidmada gooni isu taaga Somaliland. Madaama arini sidaa tahay waxaa xusid mudan in laga hadlo sharcigii Somaliland dhigatay:, ma wuxuu ogaaday in ay iminka ay fududahay in dib loo soo nooleeyo himiladii uu mudada dheer hiigsanayey ee ahayd Somaliweyn, ma wuxuu ogaaday inaan maanta isaga lagu qaadi karin sharcigii dadka kale qabanayey, mise waaba yaabe qaskale ayuu wadaa oo uu doonayaa inuu mar labaad la beegsado gobolada iyo degmooyinka Somaliland!!!

Ugu danbayn, qofkasta oo muwaadin ah waxaa ku haboon inuu naftiisa uga jawaabo dhamaan su’aalahan soo socda oo aanu u eegin qabiil, qof ama urur ee uu u eego ta Alle ku og yahay iyo ta danta guud ee qaranimo: 

Muxuu ku dhamaaday kulankii Abdirahman iyo wasiirka warfaafinta Abdilahi Du’aleh ku dhex maray London? Maxayse u jeedadiisu ahayd, ma dan UDUB, dan Somaliweyn mise waaba yaabe dan Somaliland? Muxuu ku dhamaaday shirkii albaabadu u xidhnaayeen ee Dahir Riyaale iyo Liibiya ku dhex maray magaalo madaxda Hargeysa? Ma safiirka Libiya ayaa been ka sheegaya codsiga uu Dahir Riyale codsaday in ay Libiya ku marti qaado Dahir riyaale magaalada Tripoli?

Maxaay se Udub u cadaysen waayeen mawqifkooda ku wajahan shirka qarsoodiga ah ee seddex geesoodka ah ee ay Libiya wado inuu dhex maro: Dahir Riyale, Abdiqasim, Abdirahman/Xuseen Caydiid.

Abdirahman muxuu kaga duwan yahay Abdiqasin oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay is hortaaga qadiyada Somaliland, hadaynaan foodo meesha ku haynin oo Dawladu (UDUB) daacad ka tahay gooni isu taageena?

Hadii aynu si daacadnimo leh, aqoonta iyo maskaxda Alle ina siiyey u kaashano su’aalahani ma qaadan doonaan mudo dheer in aynu dhamaan tood ka jawaabno. Su’aasha ugu danbaysaa waxaan eegayaa aqoonta mu waadinka, waayo sidee ayaad uga filaysaa in ay UDUB wax uga qabato hadii ay sameeyeen dhamaan qodobadaa aynu soo xusnay iyo kuwo badan oo aynaan ogeyn. Waxaan ku soo gunaa nadayaa, inay shaqsi kasta gaarkii ugu taalo inuu gorfeeyo oo ka faalooda siyaasadan cusub ee lagu mijo xaabinayo jiritaanka Somaliland, dariiqa ay Somaliland haysato, meesha ay u socoto iyo waxa ay idinla tahay inuu ku danbayn doono tacabkii dheeraa ee loo soo maray, ma waxuu noqon "Hal Bacaad Lagu Lisay!!!" mise waxaynu ka faa’ideysan doonaa khaladaad keenii hore oo markaas taariikhda waynu sugi.

Alle Ayaa Mahad leh !!! Kana dalbaynaa inuu talada in waa fajiyo xiligan adag!!!

Hamse Fu’aad Ali (Cade). San Jose, CA USA

Top


Somaliland Uma Baahna Khal-Khal iyo Danaysi Gaar ah

Asal ahaan markaad eegto wadankan aynu ku noolnahay waxa uu soo maray marxaladdo badan oo watay dhibaatooyin aan la soo koobi karin.

Haddaba markii aynu la soo noqonay gooni isu taaga iyo xornimada buuxda taas oo loo galay halgan balaadhan. Haddaba waxa marka hore mudan Guurtida JSL oo iyagu qayb laxaadle ka soo qaatay amniga nabada leh ee aynu maanta hadhsanayno oo ay ka qaateen qayb laxaadle.

Markii haddaba loo magacaabay alla ha u naxariistee halyaygii qaaliga ahaa ee Maxamed Ibraahim Cigaal, oo markii uu talada dalka qabtay muujiyay waxqabad buuxa, haddaan wax ka soo qaato waxyaabihii ugu darnaa ee marka waxa ka mid ahaa isaga oo inaga meeleeyay oo qarameeyay dhalinyaradii wadatay baabuurta qoryuhu saaranyihiin ee meel walba ku dhici jirtay ama ku boobi jirtay iyaga oo qabiil qabiil adeegsanaya, kuwaas oo dhamaantood noqday hanti dawladeed midkastana lagu qarameeyay xataa qorigii uu gacanta ku haystay.

Waxqabadka marxuum Cigaal, waxa uu dhisay haykal iyo hanaan dawladnimo oo maanta la wada ogyahay, waxa uu inoo sameeyay wax loo yaqaan dastuur oo shacbiweynaha JSL, uu codeeyeen si cadaalad ah 97% kaas oo maanta inoo ah furaha aynu ku soconay ee kala hagaya waxa leexsan ee markaa la garan waayo kuna tusaya shuruucda iyo qawaaniinta.

Haddaba maanta waa uu dhintay oo alleh ha u naxariisto magac balaadhan oo galay buuga taariikhda waa uu galay.

Waxa se maanta taagan, oo laynaga sugayaa may noqon asxaabta doorashooyinka ee ah dawladaha hoose madaxweynaha, iyo baarlamaanku.

Ka Ilaahay siiyo nasiibkiisa hadhaw in sidii marxuum Cigaal oo kale shaqeeya mise waxay noqon mid waxba aanay waxba kama jiraanan, horta Ilaahay ayaan ka baryayaa in aanay noqon ta xun, ee ay noqoto mid la hanan karo.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa wadanku waxa uu leeyahay cadaw badan, oo ka xun jiritasanka qaranimada JSL ka xun ee waa in la iska daayo aflagaadada ragga qaarkood ku kacaan ee ay ku soo qoraan jaraa’idka shaqsi nacayb awgii, oo madaxweyne ayaan doonayaa waxaan ku helayaa aflagaado si ay shacbigu u kacaan oo qas u galiyaan maaha mid soconaysa.

Ismaaciil Mataan Seed
Hargeysa

Top


Waxaanu Taageeraynaa Mawqifka Ururka SSJW

Anagoo ah dhallinyarada gobolka Saaxil, ahna ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Bursade (Berbera), waxaanu si weyn u taageeraynaa mawqifka ay iska taageen ururka Suxufiyiinta iyo Haatuf Media Network, shirkii beryahan dambeba la doonayay in saxaafadda madaxa-bannaan iyo qorayaasha xeerar ama nidaam ay raacaan loogu sameeyo, kaas oo albaabada u xidhaya, aasayana in wax laga sheego god-daloolooyinka (Weaknesses) xukuuumadda, dadweynaha aan waxba la dareensiin codkooduna uu noqdo mid af-duub ah, xorriyatul-qawlkuna (freedom of speech) meesha ka baxo, iyadoo ay jiraan xeerar dastuurka ka mid ah oo dhigaya in qofka muwaadinka ahi ama dadweynuhuba ra’yigooda u dhiiban karaan si madax-bannaan saxaafad ahaan, suugaan ahaan iyo muuqaal ahaanba, ayaa haddana beryahan dambe dawladdu u soo fadallo cadahay faragelinta arrimaha qaarkood sida kuwii golayaasha degaanada oo weli qaarkood la isku maandhaafsan yahay iyo tan ra’yulcaamka ahba ama saxaafadda xorta ah.

Balse waxaa mucaaradka iyo dadweynaha intooda badani is-weydiinayaan arrinku ma gees-mar sharcibaa mise gol-daloolo maamul, waatanoo dal iyo dibedba isu habar-wacatee. Sidaa darteed waxaanu xukuumadda u soo jeedinaynaa inay ka fiirsato waxyaalaha qaarkood, ilaalisana nabad-gelyada, dimuqraadiyadda iyo ra’yul-caamkaba, waayo dadku maaha kuwii shalay af-duubnaa ee waa kuwa wax dooran doona.

C/qaadir xuseen maxamed (Daryeel), 
mawliid c/laahi cali (macaane)
maxamed cismaan jaamac (daalibaan)
Berbera

Top


Kuwii La Dulmiyay Xaq Iyo Xeer Toona Lama Marin

Aniga oo ah hooyo hadda ku sugan magaalada Burco, isla markaana ka mid ah qoysaska ay aafeeyeen mushkiladda dhul-boobku, taas oo aan xitaa inankaygii curad ku waayey, wuxuuna isaga oo aan waxba galabsan ku dhintay sabab la xidhiidha dhibaatada dhul-boobka, iyadoo sannadihii u dambeeyey mushkiladaha had iyo goor ka dhaca dhinaca dhulka ay boqolaal qoys kala kulmeen dhibaatooyin kala duwan, sida: Dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, waxaana dhibaatadaa inteeda badan ka masuul ah niman ka tirsan maamuladii isaga dambeeyey magaalada Burco iyo kooxo dadweyne ah oo ku mamay dhul-boobka, kuwaas oo keenay in si sharci daro ah lagu bixiyo dhulkii danta guud iyo dhulkii gaarka ahaa ee dadku iska lahaa, isla markaana dad shaadh qabiil gashan ayaa dhiig kasta oo lagu daadiyo dhulka isku gudba oo mashruuc ka dhigta, taasna waxa cadayn u ah tusaale ahaan markii ay taariikhdu ahayd 24/4/2002 dhismaha Ex-inji ay ku dagaalameen dhinacyo iska soo horjeeda oo kala ahaa qolooyink dhismahaa laga saarayey iyo ciidanka booliska dawladda hoose , waxaana halkaa ku naf-waayey marxuum Axmed Faarax Gabyaaye, marxuumkaasina waxa uu ahaa wiilkaygii, laakiin aniga oo qadarka eebe ku qanacsan, ayaanay hadana dawladdu naga qancin in inta ay baadhitan samayso ay cadayso cidda uu gacantooda ku baxay marxuumkaasi, balse waxa nalagu yidhi magtii waxa lagu xukumay dawladda, iyadoo lacag lagu magacaabay magtii marxuumkaa ay dawladda ka soo qaadeen niman sheeganaya ehelkii marxuumku, balse anagu aan weli na soo gaadhin. 

Ta kale waxa wax lala yabo ah dhibaatada meesha ka dhacday waxa qabqablayaal ka ahaa oo sababay niman , hadana isla iyagii ayaa markii dambe noqday odayaal, sidoo kale waxa wax lala yaabo ah meeshii ay dawladdu ku dagaalamaysay ee ay lahayd waa dan guud in hadana ay laba qolo oo shicib ahi kala iibsanayaanm, laakiin anagii wiilkayagii sida xaqdarada ah loogu dilay iyo dawladdii waxyeeladii meesha ka dhacday dusha ku qaadatay dusha ayaanu arinta dhulkaa ka joognaa, iyadoo ay ahayd in hadii dhulkaa dad gaar ah la siinayo uu xaqu yahay in mag-dhow loo siiyo ciddii dadkeeda lagu dilay, hadii kalena waxay ahayd inuu noqdo dhul dan guud ah.

Hadaba waxaan maamulka cusub ee xilka la wareegay leeyahay waa inay shacbiga sinaan iyo cadaalad ku maamulaan, isla markaana waa in dib loo eego inta la dulmay iyo cidii ay dhibaatada dhul-boobku aafaysay, iyadoo ay dhibaatada dhul-boobka hooyooyin badani ku goblameen, taas oo ay hantidii dawladdu gacantooda ku jirto kuwii wax dulmay, halka aan kuwii la dulmay xaq iyo xeertoona la marin.

Hooyo: Aamina Aar, Burco.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 86aad

Mingistu: dhinacyadii kala waday ololaha cad iyo ololaha cas waxay kala ahaayeen qabaleeyada (Ururada xaafadaha) iyo xisbiyadii siyaasiga ahaa, labadaa qolo ayeyna ahaayeen kuwa islayanayey, sidaa darteedna urur waliba wixii dhibaato soo gaadhay iyo wixii uu geystay wuu garanayaa, waxaas oo dhanna inta la soo ururiyo ayaa anaga nala horkeeni jiray, laakiin marka la eego tiradii dadkii dhintay ee aanu haynay iyo tirada maanta la sheegayaa waxay isu jiraan inta ay dhulka iyo cirku isu jiraan. Hase yeeshee ololaha cas inta kacaankii Itoobiya looga dhigay qoddob lagu xidhiidhiyo saraakiishii dhergiga ayuu noqday qoddobka keliya ee dacwad ahaan loogu soo oogo ama lagu soo eedeeyo, laakiin waxa iman doonta maali aan maanta ahayn oo ay taariikhdu runta daboolka ka qaadi doonto, maalintaasna waxa dhici doonta inay dad badani Madaxa hoos u rogi doonaan.

Ganat: Marka laga yimaado dadkii mushkiladaha siyaasadeed galay waxa la sheegay inay ciidankaagu dileen dad kale oo aan iyagu dhinacyadaa dhinacna ahayn, isla markaana nadiif ah (Dembi lahayn), taa ka warran?

Mingistu: Arimahaa ciidanku haba yaraatee wax lug ah kuma lahayn, waxayna joogeen goobaha ay dagaaladu ka socdeen, sidaa darteed ciidanku arimahaa shuqul kuma lahayn, laakiin hadii la doonayo ciddii geysatay ama wadday ololaha cad iyo ololaha cas waxay kala ahaayeen qabaleega (Ururada xaafadaha) iyo xisbiyadii siyaasadeed ee jiray, ta kale markii uu bilowga ahaa ee la kobcinayey mar alaaliyo marka la dareemo ama la arko inuu sharcigu yara dabacsan yahay waxa dhici jirtay inay qolooyinkaasi, iyaga oo ka faa’iidaysanaya khilaafyada markaa jira inay sameeyaan wax alla waxa ay rabaan, taas oo kalena waxay ahayd arin ka dhacday ama lagu arkay dalalka kale ee ay kacaanadu ka curteen. Sidaa awgeed iyadoo aan sababta loo dilayo iyo cidda dishay midna la hubsan inta dad loo dilay kacaanka ayey raacsan yihiin way tiro badan yihiin. Tusaale ahaan waxa dhacday kuwo xiliyo hore dhulal isku haysan jiray ayaa nin waliba isaga oo fursadahaa ka faa’iidaysanaya ilaa intii uu awoodi karayo aarsan jiray oo uu wax dili jiray.

Ganat: Waqtigaa xasuuqyadii dhacay yaa masuul ka ah oo lagala xisaabtamayaa ?.

Mingistu: Hadii la yidhaahdo yaa arintaa ka masuul ah, anigu cidda aan masuuliyadeeda saarayaa waxa weeye IHABA, wayo khaladku waxa uu ka yimi dhinaca IHABA-da, laakiin hadii la yidhaahdo sidee buu uga yimina waxa markaa loo baahanyahay in taariikhdii IHABA-da ilaa iyo aasaaskeedii dib loo eego. Sidaa darteed ugu horayn koox yar oo la magac baxday AZO (Yaxaaska) ayaa jaamacadda gudaheeda laga aasaasay, kooxdaasina waxay ahayd waxoogaa yar oo arday ah oo la doonayey in la baro mabaadi’da hantiwadaagga, ka dibna ay kooxdaasi ardayda abaabulaan oo ay ka sameeyeen dhaqdhaqaaqyo kacaan ah, balse ardaydu markii ay ku talaabsadeen dhaqdhaqaaqyo qaranimo iyo muwaadinimo xambaarsan waxa ka horyimi ama ka soo horjeestay dhaqdhaqaaqyo kale oo imbaryaaliyad ah, waxaanay bilaabeen inay qunyar qunyar u hirgeliyaan siyaasadda dhinaca bidix, isla markaana ay si toos ah ula dagaalamaan dawladda Federaalka, ka dibna dagaal baa ka dhex-aloosmay dawladda iyo ardayda, markii ay dagaalada caynkaas ahi aloosmeena dawladdu siyaalo kala duwan ayey ardayda dhibaato ugu geysatay, sida: xadhig, dil IWM, waxaana dadkii ay arintaasi saamaysay waxa ka mid ahaa qaar ardayda ka mid ah oo u qaxay waqooyiga Ameerika iyo dalalka Yurub, isla markaana ardaydu maamulkii jiray cadho aad u xun ayey u qaadeen, laakiin waqtigaa cidda keliya ee inta ay qori qaataan dawladda u jilib-dhigaa waxay ahaayeen Ereteriya, sidaa darteed ardaydu waxay xiligaa bilaabeen sheeko ah "Dagaal toos ah oo aynu la galo dawladda ma aha mid loo babac-dhigi karo, lagama gaadhayo guul lagu jebiyo, sidaa darteed dagaalka ay Ereteriya ku jirto waa inaynu gacan siino". Hase yeeshee mawqifka odhanaya "Arinteena hadii aynu Ereteriyaanka la kaashano waxau taasi inoo fududaynaysaa dhicidda maamulka boqor Xayle Salaase", laakiin dhaqdhaqaaqyada caynkaas ahi waxay ardayda ka dhex-bilaabmeen sannadkii 1967-kii. Hase yeeshee aragtida leh waa inaynu ridida maamulka Xayle Salaase la kaashano Eretriyiinta may ahayn aragti ay ardaydu u dhan tahay ee waxa jiray kooxo arday ah oo qabay aragti taa ka duwan, kuwaas oo laaha "Inaga oo doonayna inaynu jebino dawladda Xayle Salaase hadii aynu nidhaahno aynu iskaashi la yeelano nimanka midnimada dalka ka soo horjeeda waxay siyaasiyan ka dhigan tahay "Is-dilid), sidaa darteed kuwa u dagaalamaya go’itaanka Ereteriya ma haboona inaynu la safano..."

a soco cadadka dambe.

Top


Wararka Dibadda

Gaashaan-Buurta NATO Iyo Dalalka Reer-Galbeedka Oo Weli Ku Kala Qaybsan Xiisadda Ciraaq

Bruceless (W.Wararka) - Gaashaan-buurta NATO, ayaa soo gebogebaysay shirkoodii uga socday magaalada Bruceless ee dalka Belgium-ka iyagoo aan wax heshiis ah ka gaadhin waxa laga yeelayo xiisadda dalka Ciraaq.

Afhayeen u hadlay NATO ayaa ku tilmaamay arrintaasi inay sabab u tahay kadib markii ay dalalka Faransiiska, Garmalka iyo Belgium-ku kasoo horjeesteen dalabka Maraykanka ee ah in xoog loo adeegsado Ciraaq. Waxa kaloo lagu guul-darraystay in xal meel-dhaxaad ah la iskula gaadho shirkaasi, iyadoo la isku mari waayay mawqifka laga qaadanayo arrinta Ciraaq.

Dawladda Maraykanka ayaa ku eedaysay dawladahaasi inay u xaglinayaan dalka Ciraaq, isagoo ugu baaqay in ay soo celiyaan saaxiibtinimadii ay la lahaayeen Maraykanka. Dhinaca kalena, waxa soo baxaya muran cusub oo ku saabsan inta ay le’eg tahay halista ay leeyihiin sawaariikhda riddada dheer ee dalka Ciraaq.

Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska, Tony Blair oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay in haddii ay dhabowdo halista ay leeyihiin gantaalaha Ciraaq ay taasi xad-gudub ku tahay heshiisyada caalamiga ah.

Dawladda Ruushka ayaa iyaduna sii wada taageradii ay siinaysay Dawladda Ciraaq iyo mawqifka ay ka taagan yihiin arrintaasi dalalka Jarmalka, Faransiiska iyo Belgium-ka. Dawladda Jarmalka ayaa iyaduna soo bandhigtay hindise meel-dhaxaad ah oo la isugu deyayo in si nabad-gelyo ah loogu xaliyo xiisadda Ciraaq.

Top


Dawladda Qatar Oo Ku Baaqday Shir Aan Caadi Ahayn Oo Ay Isugu Yimaadaan Dalalka Islaamku

Doha (W. Wararka) - Dawladda Qatar ayaa ugu baaqday dalalka xubnaha ka ah ururka dalalka Islaanka ugu baaqday inay isugu yimaadaan shirweyne degdeg ah oo lagaga wada-xaajoonayo xaaladda dalka Ciraaq.

Sida ay kasoo xigatay Wakaaladda wararka ee Qatar, Af-hayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Qatar, Dawladda dalkaasi oo haatan ah guddoomiyaha ururkaasi waxa ay marti-qaad u fidisay dhammaan dalalka xubnaha ka ah ururka islaamka, si looga wada-hadlo xaaladda ka taagan Ciraaq iyo guud ahaanba wadciga ay ku sugan yihiin dalalka Islaamku. Af-hayeenku wuxuu intaa ku daray in dawladaha islaamka badankoodu ay aqbaleen in shirkaas la qabto, balse warku muu caddaynin xilliga lagu wado inuu shirkaasi dhaco.

Top


Sicirka Saliida Oo Sare U Kacay Suuqyada Caalamka

London (W.Wararka) - Sicirka saliida qaydhin ayaa maalintii shalay si lama-filaan ah sare ugu kacay, iyadoo uu gaadhay sicirka halka bermiil $36.10 dollar, oo ah heerkii ugu sarreeyay tan iyo sannadkii 2000. waxaanay sheegeen khubarada dhinaca dhaqaaluhu in sicirku laga yaabo inuu gaadho maalmaha soo socda ilaa $40 dollar halkii bermiil.

Dhinaca kale, Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in kaydkeeda saliidu hoos u dhacay in ku dhow 3.9 malyuun oo foosto, taas oo ah heerkii ugu hooseeyay muddo 27 sannadood ah tan iyo markii ay dalalka Carabtu xayireen keydkooda saliida sannadadii toddobaataneeyadii.

Kor u kacan sixirka sicirka saliida ayaa waxa loo malaynayaa inay sabab u tahay xiisadda ka aloosan Khaliijka ee u dhaxaysa Ciraaq iyo Maraykanka.

Top


W/Kuuriya Oo Ku Hanjabtay Inay Weerarayso Goobo Maraykanku Leeyahay

Korea (W. Wararka) - Dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ku hanjabtay inay weerari doonto bar-tilmaameedyo uu ku leeyahay Maraykanku Caalamka, haddii dhinaca Maraykanka ay kaga timaado wax gar-darro ahi, iyadoo ugu baaqday G/ammaanka ee Q. Midoobay inay soo fara-geliyaan xiisadda u dhaxaysa iyaga iyo Maraykanka.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ay dawladdiisu si adag isaga difaaci doonto weerar kasta iyo gar-darro kastoo kaga timaada Maraykanka.

Beryahanba Dawladda Maraykanka ayaa ku eedaynaysay Kuuriyada Waqooyi inay samaysanayso hubka halista ah, taasi oo ay Dawladda Kuuriyada Waqooyina ay si weyn u beenisay.

Top


Xuska Sannad-Guurada 30-Aad Ee Tima-Cadde

Qalinkii - Boobe Yuusuf Ducaale
Q: 4aad

Maansadii Iyo Maansayahanimadii Timacade


Marxaladan saddexaad, waxa soo galaya maansadii Timacadde ee ku beegnayd intii uu ka noolaa, markii ay ciidamadii qalabka siday Inqilaabka sameeyeen. Wax badan, C/laahi Suldaan lama noolayn nidaamkaa uu Maxamed Siyaad Barre hogaaminayay. C/laahi Suldaan, waxa gabay ugu dambeysay bishii Oktoobar 1971-kii. Inkastoo xanuunkii cunaha ka hayay ee uu u dhintay, sanadba sanadka ka dambeeya ku sii xoogaysanaya, muddadaa labada sanadood iyo bilaha ahayd, Timacadde inta la ogyahay, haddana wuxuu tiriyay tiraba 16 Maanso.

Bal hadda aynu wax aan badnayn ka soo qaadano, tixda Dhunkaal oo ahayd tixdii labaad ee uu tiriyo, intii ay ciidamadu taladii dalka la wareegeen.
Wuxuu yidhi:

"Dhexda nimankii noo joogsadee, dhaxanta noo saaray,
Dhiigya-cabyadii la ma qaqaban, dhiiranaan jiraye,
Jeeroo rag dheeraad cunnoo, dhumucle loo yeedho,
Nin waliba wuxuu dhimay ilaa, dhabarka loo saaro,
Dhacadiidka jeeroo rag badan, dhawda laga saaro, 
Jeeroo maxkamad loo dhisoo, dhididku hoobaano,
Jeeroo waxay naga dhaceen, lagaga dheelmaalsho,
Daarahan la dhiibsaday ilaa, laga dhawaateeyo,
Dhafoorkooda jeeroo rasaas, dhuuban laga saaro,
Dhunkaal shilinku jeeruu noqdoo, dhuunta mari waayo,
Dhacarsiga la deyn mayo iyo, dhiilka lays baraye,
Dhabbadaa an soo jilay haddii, laga dhabayn waayo,
Dhutis xaalku ka ma baaqsadee, dhuuxa hadalkayga,

Qaybtan na waxaan ku soo gunaanadayaa heerarkii ugu fogaa ama ugu shisheeyay ee ay gaadhaan fekerkii iyo maansadii C/laahi Suldaan . sidii aan hore u soo sheegay isagoo ka dab-qaadayay waayihii caalamiga ahaa ee xilliyadaa jiray, C/laahi Suldaan wuxuu gaadhay in uu aragti ka yeesho loolankii iyo is-maandhaafkii xilliyadaa taagnaa. Waa beryihii u socday dagaalkii qaboobaa ee loo kala safnaa bari iyo galbeed. Waa beryihii la isku hayay mabaadiidii hantiwadaagga iyo hantigoosiga. Labadii qaybood ee loo kala safnaa, waxaa qabqablayaal ka kala ahaa Ruushka (Midowgii Soofiyetigaa) iyo Maraykankka, oo mid waliba bah-wadaagtiisa lahaa.

Timacadde wuxuu gaadhay heer uu mowqif kaga qaato xaaladihii beryahaa oognaa oo uu dhinaca saaro mid ka mid ah xoogagii beryahaa ishayay, ka kalena cambaarayn iyo dhaleecayn uu ku dhoobo. Waxba aniga oo aan idin daalin, bal aynu tuducyo ka soo qaadano qaar ka mid ah maansooyinkiisii.

Mar uu ka gabyay Afrika iyo gumaysigii cusbaa ee ku habsaday madaxbanaanidii ka dib, wuxuu yidhi:-

"Isticmaarku meeshuu ka tago, arami baa taalle,
Ragguu ababshay buu sii dhigtaa, kaalintii adage,
Irbaddiisu waayada danbay, eelo kicisaaye,
Waa waxaa Afrikaba kharibay, ugax dillaacdaaye",
Isla mowduucaa isaga oo ka maansoonaya, mar kale wuxuu Timacadde yidhi:
"Isticmaarkii waagii sunsumay, soo socdaal-celiye,
Ninkii seexday way jecel yihiin, inay sinbiidhaane,
Wuxuu saaka baadhbaadhayaa, dar u samaystaaye,
Siraad waxay ku doon-doonayaan, sees ay dumiyaane, 
Weli seetadii baa ku xidhan, Saan-madoobaha’e"

C/laahi Suldaan, mar uu ka hadlayay nabada adduunka iyo tartanka hubka ee aan xuduuda lahayn, haddii aynu wax aan badnayn ka soo qaadanno gabaygiisa, "Qodaxdii Qabriga" ee uu tiriyay 1970-kii, sow kii lahaa:

"Qaramada hardamay dawladahan, waada qamuunyaysan,
Qalabkiyo sawaariikhda iyo, bahalkaa quusaaya,
Hubka samaada loo qaadayee, laysu qarinaayo,
Qoraxdiyo dayaxa weerarkaa, qoobka loo galiyay,
Qalcadaha Mariikh laga dhisaa, qaci ka joogtaaye,
Isqaniintay aakhiro na way, wada qar-taallaaye,
Is-qabsade qabweyniyo ninkii, quudhsi-did ihiye,
Qowl iyo Idiin Iyo Ninkii, Qaabis laga haystay,
Iyo qawlallada kii gashaday, qaylo waw halise,
Qur’aankaa tilmaamiyo warkuu, qoray Rasuulkiiye,
Nin na dunida qoodh u ma noqdoo, qalin horaa yaalle,
Waa wixii Fircoon loo qarraqay, qoor la fidiyaaye,
Haddii aanay qumaati u dawayn, qoonta gudaheeda,
Intay taladu qaydhiin tahee, xuladku qiiqaayo,
Ama nabadda lagu qooqayeey, qaali noqon weyday,
Qurux ma leh adduunyadu haddii, qaabkan loo wado’e,
Maxaan kaga qoslaa waa wuxuu, qaammudkeeda galaye,"

Inkasoo, markaa uu Timacadde tixdan tirinayayba, uu tartanka hubku, haddana waxaynu ka wada war qabnaa, in dagaalka xiddiguhu (Star War) tisqaaday, waqti aanu Timacadde noolayn.
Idinka oo aragtidii iyo fekerkii C/laahi Suldaan, ka la wada dhex bixi doona maansadiisa,, bal aynu soo qaadanno laba tuduc oo tilmaan ka bixin kara sidii ay Timacadde ugu kala muuqdeen labaadii is-bahaysi ee Maraykanka iyo Ruushka, oo mid na uu gumaysi iyo gumaysi-kalkaal u arkayay, ka kalena xoog taageera dadyowga gobonimo-doonka ah.
Wuxuu yidhi:

"Mas waabaydii lama dhuunyadiyo, midho-dhunkaaleede,
Manfac aan la cunin baa jiroo, mawdka kuu sida’e,
Maraykan iyo waa kay baxshaan, madaxda Naatoo’e,"

Aragtidiisa taa ka duwaynayd, waxay ahayd, markuu lahaa, 
"Intaa maanta loo aayay waa, ooftii reer Bariye,
Aarmiga haddaan Ruushku qaban, udub ma joogeene,
Afkuun laga ma sheegtee mabda’a, oogta ka caddeeya,"

C/laahi Suldaan wuxuu inooga tagay maanso hodan ah oo aragti fayaw iyo dareen-wadaninimo cokan. Maanso hoga-tuskeeda iyo talo-bixinteedu aanay gurgur qaanso ku dabranayn, balse ay daaqsin geel dunida oo dhan daafaheeda gaadhsiisan tahay.

Qabyaaladda waxa uu ka necbaa ma jirin, maansadiisa intii ugu badnayd na la dagaallankeeda ayuu u huray. Gabyaa badan wuxuu kaga tagay, isagoo ahaa codkii la dagaallanka gumaysiga nooc uu ahaaba iyo adeegayaashiisii, wuuxu Timacadde ahaa baaqii xornimada iyo midnimada, wuxuu ahaa codkii danyarta Soomaaliyeed. Wuxuu ahaa makrifoonkii gabayada ugu kululi ka bixi jireen.

C/laahi Suldaan, wuxuu ahaa nin Islaam ah oo Soomaaliyeed, wuxuu ahaa nin qabay afkaar wadaniya oo horusocod ah, oo uu fiiradooda iyo ficilkoodaba lahaa.

Timacadde wuxuu ahaa nin aan salaad na salaad ku darin. Wuxuu ahaa muslin taqi ah oo aan afka ahayn’e uu falkeeda lahaa. Haasaawiye kaftan badan ayuu ahaa. Qaadka aad uma cuni jirin, majlisyada na ka ma maqnaan jirin.

Mefrishyada markuu fadhiyo laba laamood oo jaad ah ayuu qaadan jiray, oo intuu cumaamadiisa xagga bidixda iska dhigo, jaadka na dul saari jiray. Sigaarka si xad dhaaf ah ayuu u cabi jiray.

C/laahi Suldaan maansadiisa afka carabiga ayuu ku qoran jiray siday ii sheegeen dadkii aad ugu dhadhawaa.

Dhaqan ahaan wuxuu xidhan jiray macawis, shaadh, koofiyad, cummaamad iyo bakoorad. Inta badan cumaamadda wuxuu saari jiray gacanta bidix oo uu soo laabay, isaga isla markaa na bakooradda dul saari jiray. Koofiyadda wuxuu saari jiray sunnayaasha dushooda. Socodka ma dheeraynjirin ee tallaabo gaaban ayuu socon jiray. Labadiisa garab way yara ka la hooseeyeen, Isaaq Cismaan Maxamed oo ay Ilmo-adeer ahaayeen wuxuu ii sheegay in markii uu dhashay iyadoo kor loo qaadayay uu garabka bidix wax ka noqday.
Dhamaad

Top


IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid Guraase

Xulashada Asaxaabtii Nebiga Scw: Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi

"Saciid Binu Caamir Waa Nin Aakhirada Ka Doortay Adduunyada, Wuxuuna Alle Iyo Rasuulkiisa Ka Doortay Wixii Iyaga Ka Soo Hadhay."


Saciid Oo Aan Islaamin: 
Wiilka dhalinyarada ahaa ee la odhan jiray Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa kumanaankii kun ee yimid degmada Tanciim ee ku taallay agagaarka magaalada Makka, si ay u ajiibaan yeeristii ay u yeedheen madaxdii Qureysh, iyo weliba si ay u daawadaan toogashadii ama dilkii saxaabiga la yidhaahdo Khubeyb Binu Caddiyyi (rc), oo ka mid ahaa asxaabtii Nebi Muxammad (scw) ka dib markii gaaladii qureysh ay ku guuleysteen inay soo qabtaan/qafaashaan Khubeyb. 

Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi Ilaah ka raalli noqdee waxay u suurto galisay dhalinyaranimadiisii inuu arko kii ay qafaasheen gaaladii Qureysh (waa Khubeyb’e) isagoo weliba gacmaha iyo lugaha ka xidh-xidhan, iyadoo weliba dumarkii, caruurtii iyo odayaashiina ay u fakanayaan oo u baxsanayaan si ay uga aar-goostaan Khubeyb dadkoodii lagaga laayey dagaalkii Badr. 

Dadkii faraha badnaa markii ay isugu yimaadeen goobtii lagu tooganayay Khubeyb Binu Caddiyyi ayaa Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi u diyaargaroobay sidii uu arki lahaa Khubeyb, markaas iyada ahna Khubeyb loo wado tiirka toogashada. Saciid wuxuu Khubeyb ka maqlay hadal uu si hoos ahaan ugu yidhi gaaladii tooganaysay, hadalkaasina wuxuu ahaa: "haddaad doontaan ii oggolaada si aan u tukado labo rakcadood kahor intaydan i dilin". Waa loo ogolaaday. 

Saciid ayaa wuxuu eegay salaaddii Khubeyb, isagoo u jeestay kacbada si uu u tukado labo rakcadood. Saciid oo aad u jeclaystay salaadihii Khubeyb ayaa wuxuu yidhi: "alla yaa ka qurux badnaa, alla yaa ka dhammeystir badnaa labadaasi rakcadood" Khubeyb Binu Caddiyyi kolkuu salaaddii dhammeeyay ayaa wuxuu gaaladii ku yidhi: "wallaahi haddaanan ka cabsanaynin inaad u qaadataan inaan salaadda u dheereeyay cabsida aan ka cabsanayo geeri awgeed, waxaan dheereen lahaa salaadda". 

Saciid Binu Caamir wuxuu joogay dilkii Khubeyb iyo sidii sida aan naxariista laheyn jidhkiisa loo googooyay, markaasna gaalada ay Khubeyb ku leeyihiin: "ma jeceshahay in silican oo kale lagu sameeyo Muxammad, adigana markaas aad nabad gesho", uuna lahaa Khubeyb isagoo dhiig baxaya hadalkan: "wallaahi ma jecli inaan noqdo qof nabad qaba, Nebi Muxammadna ay muddo qodax". Dadkii yimid goobtii toogashada ee gaalada ahaa ayaa si kor ahaan u dhawaaqayay, iyagoo lahaa: "dila.., dila.." 

Saciid Binu Cumar wuxuu si naxariis ay ku jirto u eegey Khubeyb oo markaas indhihiisa kor ugu qaadaya xagga cirka, isagoo habaaraya gaaladii sidan u silcisay, wuxuuna lahaa: "Ilaahoow dhammaantood cidhibtir, mid-midna u laa oo cid iyaga ka mid ahi ha ka tegin". Wax yar dabadeedna wuu naf baxay oo wuu dhintay, iyadoo aanu qof tirin kara dhaawacyadii soo gaadhey Khubeyb jirin. 

SACIID OO AY SAAMEYSAY DILKII KHUBEYB: 
Gaaladii Qureysh waxay u soo laabteen guryahoodii, wayna iska iloobeen dilkii iyo toogashadii soo gaadhey Khubeyb. Hase ahaatee Saciid Binu Caamir dhalinyarana ahaa (xilligaas aan qaan-gaadhin) marnaba xiskiisa kama maqnaanin wixii Khubeyb soo gaadhay maalintaas. Wuxuu ku arki jiray hurddada (riyada) hadduu seexdo, dhinaca kalena wuu ka fekeri jiray hadduu soo jeedo. Waxaa hortiisa iman jiray isagoo Khubeyb tukanaya tiirka hortiisa labadii rakcadood ee xasilloonida iyo degganaanshaha wadatey, wuxuuna maqlayay hadalkiisii dabancsanaa ee uu ku habaarayay gaaladii Qureysh. Saciid wuxuu markasta ka cabsan jiray in kuwii laayey Khubeyb ay xagga cirka kaga timaaddo ciqaab weyn, amaba lagaga soo rido xagga cirka dhagax weyn. Xilligaas iyada ahayd intii aanu Saciid islaamin. 

Allaha u naxariistee Khubeyb wuxuu Saciid baray wax aanu aqoonin hadda ka hor. Wuxuu baray in nolosha dhabta ahi ay tahay caqiido iyo jihaad lagu gaaro waddada caqiidada ilaa ay geerida ka timaaddo. Sidoo kale wuxuu Khubeyb baray Saciid in iimaanka xeesha dheer uu sameeyo falal iyo mucjisooyin la yaab leh. Wuxuu baray arrin kale, oo ah in Nebiga (scw) ay jecel yihiin asxaabtiisa uu yahay Nebi laga taageersan yahay xagga samada. 

ISLAAMIDDII SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI: 
Markey arrintu halkaas mareyso wuxuu Ilaah (sw) u waasiciyay laabta Saciid Islaamka. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wuxuu Saciid ka dhex istaagey dad aad u fara badan dhexdooda, isagoo dadkii ogeysiiyay inuu barri ka yahay denbiyadii ay sameeyeen gaaladii qureysh, dhinaca kalena uu ka baxay cibaadadii asnaamta iyo in uu soo galay diinta Islaamka. Saciid Binu Caamir wuxuu u haajiray magaalada Madiina, isagoo wixii intaa ka danbeeyay laasimay la joogista Rasuulka (scw), wuxuuna isagoo Rasuulka (scw) la socda ka qayb galay duulimaadkii Kheybar iyo wixii ka danbeeyay. 

Markii Nebiga (scw) la oofsaday oo uu dhintay, Saciid Binu Caamir waxa uu noqday sida seef galka ka baxday oo ay adeegsadaan labada khulafo ee Abuubakar iyo Cumar (rc). Saciid wuxuu noqday tusaale laga shidaal qaato, sida isagoo looga tusaale qaato mu’minkii adduunyadiisa aakhiro ku iibsaday, wuxuuna raalli ahaanshaha iyo abaal-marka Eebbe (sw) ka doortay dhammaan wixii ay naftu jeclayd oo shahawaad ah. 

ASXAABTA SI GOONNI AH AYEEY U QADDARIN JIREEN SACIID: 
Dhammaan asxaabta Nebiga (scw) waxay ogaayeen cabsida iyo iimaanka xeesha dheer ee Saciid, sidaa darteed si aad ah ayeey u qaddarin jireen markasta Saciid. Tusaale haddaan u soo qaadanno, Abuubakar iyo Cumar labadooduba Ilaah ha ka raalli noqdee, waxay ogaayeen inuu Saciid ku sifoobay astaamaha runta iyo cabsida Alle, markastana waxay maqli jireen nasteexada iyo waanada uu u soo jeediyo iyaga. 

Maalin maalamaha ka mid ah ayaa waxaa Cumar Binu Khaddaab u soo galay Saciid Binu Caamir, waxayna ahayd xilligii billowga khilaafada Cumar. Saciid wuxuu Cumar ku yidhi: "Cumaroow waxaan kuu dardaarmayaa inaad Alle uga cabsatid dadka, dadkana aadan Alle uga cabsan, in aanu is-khilaafin ficilkaaga iyo hadalkaaga, hadalka waxaa ugu kheyr badan kan ficilka rumeeyo.. Cumaroow indhaha ku hay muslimiinta uu Alle madaxda kaaga dhigay, kooda dhow iyo kooda fogba, waxaad iyaga la jeclaataa waxaad naftaada iyo reerkaaga la jeceshahay, waxaad iyaga la necbaataa waxa aad naftaada iyo reerkaaga la necebtahay, xaqa gaadhsiintiisa waxaad u jirsataa buur kasta, Ilaahna cidna ha uga cabsan". 

Cumar baa wuxuu Saciid ku yidhi: "Saciidoow yaa awoodi kara". Saciid ayaa wuxuu yidhi: "waxaa awoodi kara nin adigoo kale ah oo uu Alle u dhiibay umuurta ummadda Nebi Muxammad (scw). Intaas ka dib, wuxuu Cumar Binu Khaddaab ugu yeedhay Saciid inuu maamulkiisa wax uga dhiibo, wuxuuna yidhi: "Saciidoow waxaan kuu dhiibaynaa maamulka gobolka Ximsa". Saciid ayaa u celiyay: "Ilaah baan kugu dhaariyaye inaadan i fidnayn". Cumar ayaa cadhooday, wuxuuna yidhi: "intaad mas’uuliyaddan qoortayda saarteen ayaa ka dib iigaga cararaysaan!!, wallaahi ku dhaafi maayo". 

SACIID OO KA MID NOQDAY GUDDOOMIYE-GOBOLEEDYADA DOWLADDA CUMAR: 
Wixii intaa ka danbeeyay Saciid Binu Caamir waxaa madax looga dhigay magaalada Ximsa. Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yidhi: "miyaanan musha-haro kuu qoraynin". Saciid ayaa ugu jawaabay: "maxaan ku sameenayaa amiirkii mu’miniintoow, maxaa yeelay waxaa iga badan lacagta aan ka qaato baytul-maalka". Sidiina ayuu Saciid ugu safray magaalada Ximsa. 
WAANA AMIIR, WAANA FAQIIR!: 

Muddo yar markay ka soo wareegatay muddadii uu Saciid xilka qabtay, ayaa waxaa amiirkii mu’miniintii ee Cumar Binu Khaddaab uga soo wafdiyay magaalada Ximsa wafdi, kuwaasoo ka mid ah kuwo uu Cumar ku kalsoonaa. Cumar Binu Khaddaab wuxuu wafdigiii ka codsaday inay u soo gudbiyaan liiska fuqurada ee deggan magaalada Ximsa. 

Wafdigii waxay Cumar u gudbiyeen liiskii ay ku qornaayeen fuqurada/masaakiinta reer Ximsa. Dadkii masaakiinta ahaa waxaaba ku jira Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi oo ah duqa magaalada Ximsa. 

Cumar ayaa wafdigii weydiiyay cidda uu yahay Saciid Binu Caamir, waxayna ugu jawaabeen: "waa amiirkeena!". Cumar ayaa markale wuxuu weydiiyay su’aashan: "amiirkiinu ma faqiir baa?!". Waxay ku jawaabeen: "haa", waxayna intaa raaciyeen in ay soo marto maalmo fara badan, iyadoo aan gurigiisa dab laga shidin!. Cumar ayaa aad uga fajacay arrintaasi, wuuna ooyay ilaa ay ilmadii ka da’aysay ay ka qoysay gadhkiisa. Cumar wuxuu wafdigii u dhiibay lacag gaadhaysa 1000 diinaar, wuxuuna lacagtii ku riday kiish, isagoo wafdigii ku yidhi: "marka hore igu salaama Saciid, waxaadna ku tiraahdaan amiirkii mu’miniintii ayaa lacagtan kuu soo dhiibay si aad ugu kaalmeysato danahaaga khaaska ah". 

REERO ADDUUNYO MA AHAYN: 
Wafdigii waxay yimaadeen magaaladii Ximsa, waxayna u tageen Saciid, iyagoo ku wareejiyeen kiishkii ay ku jirtay lacagta. Saciid markuu arkay lacagtii wuxuu bilaabay inuu iska fogeeyo, isagoo odhanayay: "Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun, sida inay musiibo ku dhacday oo kale. 

Afadii Saciid ayaa soo boodday kolkay maqashay Saciid, waxayna ku tidhi: "maxaa kugu dhacay Saciid?!, ma amiirkii mu’miniintii ayaa dhintay?!". Saciid ayaa ugu jawaabay: "maya ee waxaa dhacay wax taa ka weyn". Waxay tidhi: "ma muslimiintii ayaa dhibaato ku dhacday?!. Wuxuu yidhi: "maya ee wax ka weyn taas ayaa dhacday". Waxay tidhi: "maxaa taas ka weyn?!". Saciid ayaa yidhi: "adduunyadii ayaa ii soo gashay, si ay u fasahaadiso aakhiradeyda, fidnadiina waxay degtay gurigayaga". Xaaskii Saciid iyadoo aanan fahmin hadalka Saciid ayaa waxay iska tidhi: "isaga takhallus haddaba". Saciid ayaa weydiiyay afadiisa su’aashan: "arrintan ma igu kaalmaynaysaa?", waxayna ku jawaabtay: "haa". 

Saciid wuxuu qaaday lacagtii oo dhan (kunkii diinaar ee uu Cumar u soo diray), dabadeedna wuxuu u qaybiyay masaakiinta muslimiinta. Run ahaantiina lacagtaasi aad ayuu ugu baahnaa isaga, maxaa yeelay ma haysan wakhtigaas arad iyo cunto ku filan, hase ahaatee wuxuu naftiisa ka doorbiday inuu daboolo baahida fuqurada muslimiinta iyo inuu iyaga la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay, si uu ugu sifoobo aayaddii qur’aanka ahayd ee ka hadlaysay arrintan. 

MID KA MID AH TUSAALOOYINKA CADDAALADDA CUMAR: 
Wakhti badan kama soo wareegan, ilaa uu Cumar Binu Khaddaab ku yimaado kormeer magaalada Ximsa, isagoo doonaya inuu wax ka ogaado xaaladda ay ku sugan yihiin reer Ximsa. (Arrintan waxay tusaale cad ka bixinaysaa caddaaladda Cumar iyo sidii aanu u kala saari jirin madaxda iyo shacabka, waxaana xaqiiqo ah in tusaalahani dunida maanta aan lagu arag, laga soo bilaabo madaxda iyo dowladaha dunida Islaamka, ku xiji kuwa iyaga sheegta caddaaladda iyo sinnaanta waa reer galbeedka’e.). 

Markii uu yimid magaalada Ximsa oo markii hore la oran jiray: "Al-Kuweyfa" ayaa sidii caadada u ahaydba wuxuu salaamay reer Ximsa, isagoo su’aallo ka weydiiyay umuurta amiirkooda Saciid Binu Caamir oo ahaa amiirka magaalada. 

AFAR QODOB OO LAGU SOO EEDEEYAY SACIID: 
Dadkii waxay amiirkooda ku soo eedeeyeen afar qodob oo ka mid ah falalka uu sameeyo Saciid, taasoo midba midda kale ka daran tahay. Cumar wuxuu isugu yeedhay dadkii iyo amiirkooda, wuxuuna Alle ka baryay in aanu hoojin malihii wanaagsanaa ee uu u hayey Saciid, maxaa yeelay si aan xad lahayn ayuu ugu kalsoonaa Saciid. Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa ay ku eedeenayaan amiirkooda, waxayna ku jawaabeen sidatan:

"Nooma soo baxo ilaa ay maalintu in badan ka tagto". Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yidhi: "maxaad ka leedahay arrinkan?. Saciid xooggaa ayuu aamusnaa, markaasuu wuxuu yidhi: "ma aanan jeclayn inaan sheego sababta keentay arrintan, haddase waa lama huraan. Anniga ma lihi adeege ama khaadim, sidaa darteed subax kasta waxaan qasaa qooshka, muddo yar ayaan u kaadiyaa oo sugaa, ka dib markuu khamiiro ayaan dubaa, dabadeedna waan weeseestaa, markaasna ayaan dadka u soo baxaa". 

Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa kale oo ay ku eedeenayaan Saciid. Waxay yidhaahdeen: "habeenkii cidna uma jawaabo". Cumar ayaa Saciid ku yidhi: "maxaad ka leedahay hadalkaas?". Saciid wuxuu yidhi, tanna ma aanan jeclayn inaan sheego, balse sababta aanan u soo bixin habeenkii ayaa ah, iyadoo aan maalintii siiyay iyaga (dadka), habeenkiina aan Ilaahay siiyay.

Mar kale ayuu Cumar dadkii weydiiyay: "maxaad kalood ka sheeganaysaan". Waxay yidhaahdeen: "bishii maalin ayaanu noo soo bixin". Cumar ayaa Saciid weydiiyay sababta, wuxuuna Saciid ugu jawaabay: "ma lihi adeege amiirkii mu’miniintoow, dharna waxaan ka leeyahay lebiska aan qabo, sidaa darteed bishiiba hal ilaa ayaan dhaqaa, waana sugaa ilaa inta uu ka qalalo, markaas ka dibna ayaan u soo baxaa". 

Cumar ayaa dadkii ku yidhi: "maxaad kalood ka sheeganaysaan?". Waxay yidhaahdeen: "mararka qaarkood ayuu miyir beelaa". Saciid ayaa wuxuu yidhi: "waxaan goob joog ahaa dilkii Khubeyb Binu Caddiyyi annigoo mushrik (gaal) ah. Waxaan arkay qureysh oo googooneysa jidhkii Khubeyb, waxayna ku odhanayeen markaas: "ma jeceshahay inaad nabad gasho, oo Nebi Muxammad (scw) joogo booskaaga", wuxuuna ku jawaabayay:"wallaahi ma jecli inaan reerkayga dhexdooda aan ku nabad qabo, Nebi Muxammad-na ay muddo qodax", anniguna markaan taas xasuusto dhacdadii maalintaas iyo sidii aanan ugu gaargaarin ayaa waxaan maleeyaa in aanu Alle (sw) ii denbi dhaafaynin, markaas ayaan miyir beelaa". 

Cumar Binu Khaddaab (rc) si farxad leh ayuu ugu farxay natiijadii dacwada, wuxuuna yidhi: "waxaa mahad iska leh Allihii aanan hoojin malahayga", ka dibna wuxuu Saciid Binu Caamir u dhiibay 1000 diinar si uu umuurihiisa gaarka ah ugu kaalmaysto. 

Afadii Saciid markii ay aragtay lacagtii, ayaa waxay tidhi: "waxaa mahad iska leh Allihii khidmadaada nagu deeqay, ee waxaad noo soo iibisaa wixii aan u baahnayn, noona soo ijaar adeege noo shaqeeya". Saciid wuxuu afadiisii ku yidhi: "ma doonaysaa wax taas kaaga kheyr badan". Waxay tidhi: "waa maxay". Wuxuu yidhi: "waxaan u dhiibanaynaa cid aan ka soo ceshan doonno goor aan aad ugu baahannahay". Waxay tidhi: "waa kuma kaas". Saciid wuxuu yidhi: "waxaan amaahinaynaa Alle amaah wanaagsan". Waxay tidhi: "waa runtaa, Ilaahna kheyr ha kaaga abaaliyo". 

Fadhigii uu Saciid fadhiyay kamaba dhaqaaqin, ilaa uu lacagtii oo dhan ku guray kiishash ama qariirado, wuxuuna ku yidhi mid ka mid ah ehelkiisa isagoo lacagtii u qaybinaya masaakiinta: "lacagtan waxaad u geysaa reerkii agoonta ahaa.., lacagtanna waxaad u geysaa islaantii carmasha ahayd, lacagtanna waxaad u geysaa masaakiintii ina hebel ahaa... 

Ilaah ha ka raalli noqdee Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa dadka naftooda ka doorbida walaalahooda kale, haba ugu baahi badnaato naftiisa sheygaas. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Saciid Binu Caamir, innagana ina siiyo tusaalihiisii deeqsinimo, cabsi iyo caddaaladeedba. aamiin

Top


GAAS AND XAASHI ELECTRIC POWER

Hargeysa Somaliland Xaafadda Xero Awr
Saacadaha Shaqada Laydhku Shaqeeyo
8:00 Subaxnimo 12:00 Duhurnimo
4:00 Subaxnimo- 2:00 Habeenimo
4: 45AM- 5:00AM (Salaada Subax)
kala soo xidhiidh Telephonada Kala ah
54042 Soltelco
34542 STC
40159 STC Mobile
428938 Mobile STC

Top


Meher 

Shukri Aadan, Maxamed Cabbdi Aadan, Xasan Maxamed Shire, Cabbdi Ducaale Cali, Deeq Yuusuf Saleebaan, Xasan Reygal Warsame, C/Salaan Caaradhuub, Gaandaa Xasan Guuleed, Axmed Muuse (Sakaaro), dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa 

Meher Wacan
Aabo Axmed Maxamuud, Hooyo Sahra C/Laahi, Umal-Khayr Axmed Maxamed Iyo Carruurteeda, Hodan Axmed Maxamuud Iyo Caruurteeda, Nimco Axmed Maxamuud, Ismaaciil Axmed Maxamuud Iyo Xaaskiisa, Maxamed Axmed Maxamuud Iyo Xaaskiisa, C/Qaadir Axmed Maxamuud, C/Raxmaan Axmed Maxamuud, Sucaad Axmed Maxamuud, dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa 

Meher Wacan
Hooyo Weris Xasan Dawaare, Kaltuun C/Raxmaan C/Laahi, Xuseen C/Raxmaan C/Laahi Iyo Xaaskiisa, Aniisa C/Raxmaan C/Laahi, Saynab C/Raxmaan C/Laahi, Hibaaq C/Raxmaan C/Laahi, Siciid C/Raxmaan C/Laahi, Xasan C/Raxmaan C/Laahi, Khadra Xasan Maxamuud, dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa 

Meher Wacan
Aabo Saalax Shire, Aabo Maxamuud Shire, Hooyo Caasha Yuusuf, Hooyo Xaawa Aw Jaamac, Hooyo Faadumo Maxamed Hindi, Siciid Saalax Shire Iyo Xaaskiisa, Warsame Maaweel Shire Iyo Xaaskiisa, Deeqa Maaweel Shire Iyo Caruurteeda, Cawo Maaweel Shire Iyo Caruurteeda, Magool Maaweel, Ubax Maaweel, Faadumo Saalax Shire, Mako Saalax Shire, Madiina Saalax Shire, Maxamed Saalax Shire, Samiira Saalax Shire, Xaawa Shire, Sabaax Saalax Shire Iyo Caruurteeda, Ayaan Saalax Shire Iyo Carruurteeda, dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa 

Meher Wacan
Axmed Maxamuud Shire, Siciid Maxamuud Shire, Liibaan Maxamuud Shire, C/Raxmaan Maxamuud Shire, Faadumo Maxamuud Shire, Nimco Saalax Shire, Taysiir Saalax Shire, Milgo Saalax Shire, C/Wahaab Saalax Shire, Madar Maxamed Ayaanle, Nimco Warsame Hoori, Adeero Axmed Shire Iyo Xaaskiisa, Adeer C/Laahi Shire Iyo Xaaskiisa, Adeer Xasan Shire Iyo Xaaskiisa, Adeer C/Raxmaan Shire Iyo Xaaskiisa, Saynab Shire Iyo Caruurteeda, Caasha Shire Iyo Caruurteeda, Sabaax Saalax Shire Iyo Caruurteeda, Ayaan Saalax Shire Iyo Caruurteeda, dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa 


Meher Wacan
Abti Yuusuf Maxamed Hindi, Hooyo Xaliimo X. Cabdi, C/Risaaq Yuusuf Iyo Xaaskiisa, C/Casiis Yuusuf, C/Qani Yuusuf, Mubaarik Yuusuf, Deeqa Yuusuf, C/Samad Yuusuf, Aamina Yuusuf, C/Fataax Yuusuf, Ayeeyo Asli Jaamac, Ayeeyo Barni Bulaale,
dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa 

Meher Wacan
Cadnaan Maxamed Case Iyo Xaasaskiisa, Shamsa-Diin Maxamed Case Iyo Xaaskiisa, C/Wahaab Maxamed Case, Mustafe Maxamed Case, Faadumo Maxamed Case, Yaasmiin Maxamed Case, Axmed Maxamed Case, Ifraax Maxamed Case, Amran Maxamed Case, Sahra Maxamed Case, Raxma Maxamed Case, Aniisa, Maxamed Case, dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa 

Meher Wacan
Awoowo Maxamed Ducaale Fardo-Sheegad, Hooyo Deeqa Maxamed Hindi Iyo Caruurteeda, Hooyo Xaawa Maxamed Hindi, Hooyo Saynab Maxamed Hindi, Caasha Maxamed Hindi, Sahra Maxamed Hindi, Hooyo Cosob Maxamed Hindi Iyo Carruurteeda, Indha-Deeq Maxamed Hindi, Yaasiin Maxamed Hindi Iyo Xaaskiisa, Cismaan Maxamed Hindi Iyo Xaaskiisa, C/Casiis Maxamed Hindi Iyo Xaaskiisa, Cali Maxamed Hindi Iyo Xaaskiisa, dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa 

Meher Wacan
Aadan X. Xuseen Ismaaciil Iyo Xaaskiisa, Cali X. Xuseen Ismaaciil Iyo Xaaskiisa, Axmed Xaaji Xuseen Ismaaciil, C/Risaaq Cali X. Cabdi, Maxamed Cali X. Cabdi, Aabo Cabdi Aadan Maxamed, Xamse Cabdi Aadan, Farxiya Cabdi Aadan, Khayraad Cabdi Aadan, Maxamuud Axmed Bile Iyo Xaaskiisa, Baashe Muuse Iyo Xaaskiisa, Maxamed Cali Maxamed Iyo Xaaskiisa, Cabdi Maxamed Cumar Iyo Xaaskiisa, dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa 

Meher Wacan
Maxamed Cawil X. Nuur, Ibraahim Cawil X. Nuur Iyo Xaaskisa, C/Risaaq Axmed Olol, Maxamuud Janaale, Siciid Axmed Olol, C/Raxmaan Janaale, Xuseen X. Xasan Geele, Daahir X. Xasan, Maxamuud Suudi (Maxay), Ramo X. Xariir, Xuseen C/Laahi Xuseen (Girgire), Siciid Jaamac Faarax (Duqus), C/Laahi Cumar (Haash), Sacad Caseer Oogle, Maxamed Cabdi Cawil, C/Qaadir Guray, C/Rashiid Barre Ducaale Iyo Xaaskiisa, dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan: 
Liibaan Maaweel Shire
Iyo Ayaan Axmed Maxamuud
Oo 13/02/03 meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeisa

Top