Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 269 February 16, 2003

Mas’uuliyiin Ka Tirsan UNHCR, Iyo Wasaaradaha Beeraha Iyo Dib-U-Dejinta Oo Kormeer Ku Soo Maray Giniis

Waxqabadkii Hay'aduhu wuxu noqday semainaar saddex Doolar ah"

Baanka Somaliland Wuu Caafimaad Qabaa

"Waxaan U Doodaa Dumar Eeshiyaan Ah Oo 50 Sanadood Kahor Xuquuqdooda La Dulmiyay"

Garabka General Cadde Muuse Oo Jawaab Ka Bixiyay Baaqii Nabadeed Ee Kasoo Yeedhay C/Laahi Yuusuf

Hargeysa: Maayorka Lasoo Doortay Iyo Maayorkii Hore Oo Munaasibad Ballaadhan Xilka Kula Kala Wareegay

M/Rayaale Oo Xilkii Ka Qaaday Mas’uuliyiin, Qaar Kalena Magacaabay

Ma Runbaa C/Raxmaan-Tuur Wuxuu Ku Biiray UDUB?

Maayorka Cusub Ee Berbera Oo Xilkii La Wareegay

Dawladda Ciraaq Oo Guul Ku Tilmaantay Warbixintii Baadhayaasha Hubka

Mudaharaado Waaweyn Oo Lagaga Soo Horjeedo Weerar lagu Qaado Ciraaq Oo Ka Dhacay Daafaha Dunida

Afar Askari Oo Israa’iliyiin Ah Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qarxiyay Dabaabad

Odhaahda Akhristaha

Madaxweyne Ku Xigeenku Hanaga Daayo Faragelinta

WAA MAXAY JACAYLKU

Dhulkii Somaliland Oo Hadlay

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

ARRIMAHA BULSHADA

WAADIGA CIYAARAHA


Mas’uuliyiin Ka Tirsan UNHCR, Iyo Wasaaradaha Beeraha Iyo Dib-U-Dejinta Oo Kormeer Ku Soo Maray Giniis

Gebiley (Haatuf.) Masuuliyiin ka kala socday hay'ada jimciyada quruumaha ka dhaxaysa laanteeda u qaabilsan qaxootiga (UNHCR),oo ay weheliyaan saraakiil kala socday labada wasaaradood ee beeraha , iyo dib u dejinta oo kala ah Mr.Peter Mueti oo ah field officer ka iyo Mr.Gabriel natheniale oo ah khabiir ka u qaabilsan dhinaca beeraha iyo xoolaha ee hay'ada UNHCR iyo Mr.Maxamed Warsame oo ah madaxa waaxda qorshaynta ee wasaarada beeraha iyo Inj.Sitiin Jaamac oo ka socday wasaarda dib u dejinta ayaa kormeer hawleed ku soo maray beeralayda degaanka Ceel -Giniiseed ee degmada Gabiley halkaas oo ay hay'ada wadaniga ahee RED SEA ACTION oo ka hawl gasha degaanka degmada gabiley ay ka fulinaysay mashruuc ay beeralayda ugu dhisayso ceelal waraab ah mashruucaas oo ay maal galisay hay'ada UNHCR. 

Sida uu ku soo waramay Wariyeha Haatuf Gabiley Maxamed xasan Xuseen oo booqday Giniis 
waxa halkaasi oo uu ku qaabilay ninkamadaxdaka ah hay'adawadaniga ah ee RED SEA ACTION Mr. Mawliid Muusse Ibraahim oo ay weheliyaa gudiga beerolayda Ceel-giniiseed .intaas kadib waxay masuuliyiintaa ka kala socday hay'ada iyo labada wasaaradood kulan la yeesheen shakhsiyaadka ceelasha loo dhisayo, gudiga dooxa iyo odayaasha degaankaa kuwaasi oo ay kawaraysteen guud ahaan xaalada nololeed,faaiidada uu mashruucu u yeelanayo iyo waxyaalaha kale ee ay u baahan yihiin . kuwaasi oo intay kormeerka ku gudo jireen indhahooda kusoo arkay dhamaystirka ceelasha ay fulisay hay'ada RED SEA ACTION beerolaydaayaa iyagu sheegay in mashruucani yahay mid ay aad ugu baahnaayeen kuwaasi oo ku tilmaameen in waqtiyada uu roobku da'o ceelashanoo iska dayacnaa inay daadadku ka aasi jireen ,taasiooay sheegeen inay dhib badan kala kulmi jireen iyagoon hore u heli jirin awood ay iyagu wax kaga qabtaan, waxay intaa ku dareen in marka ay arintani dhacdo in gabi ahaanba waxsoosaarkii xaga beeruhu uu ka istaagi jiray oo xataa ay waayi jireen masaariifta qoysaskoodu ku noolaan lahaayeen iyo dhib kale oo ay sheegeen inay kahaysatay xaga xoolaha ay dhaqdaan oo iyaga ay u biyo waayi jireen.laakiin iyagoo ka hadlaaya faaiidada uu u leeyahay mashruucan u hirgalay inuu yahay mid buuxinaya dhibtaa ay hore ugasoo cawdeen yahayna mashruucii ugu waynaa ee ay helaan intii dalka dib loogu noqday ,halkaasi oo ay ugu mahad naqeen hay'ada wadaniga ah ee RED SEA ACTION oo iyadu hawshan fulisay iyo hay'ada UNHCR oo iyadu maal galisay mashruucan iyo saraakiishakasocday labada wasaaradood oo iyaguna kaqayb qaatay ogolaanshaha iyo suurto galinta labadaba. gaba gabadii waxa halkaa kahadlay Mr.Peter Muete oo kula dardaarmay inay marka hore ka faaiidaystaan mashruucan iyaga loo fuliyey iyo in ay kala faaiidaystaan walaalahooda degaanka kula nool.

Top


Waxqabadkii Hay'aduhu wuxu noqday semainaar saddex Doolar ah"

Boorama (Haatuf) Guddoomiyaha Gobolka Awdal Max,uud sheekh Cabdilaahi ayaa sheegay in waxqaabadkii ha'daha Ajnebiga ah ee ku lug leh dhinaca caafimaadku noqday seminaarro halkii laga eegeyayey inay qabtaan hawlo kale oo wax weyn ka tara dhinaca caafimaadka Gobolka. 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar, Guddoomiyuhu waxa hadalkan ka sheegay shir ay isugu yimaaddeen dhawaantan madaxda xarumaha caafimaadka Gobolka Awdal oo lagu qiimaynayey adeegyada ka socda.Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in waayadan dambe ay jiraan dhibaatooyin kasoo kordhaya xarumaha MCHyada ama xarumaha kale ee caafimaadka ee ka furan gobolka marka laga eego dhibaatooyinka haysta shaqaalaha ,dawooyinka, iyo kala fogaanshaha xarumahaasi. Waxan dareensanahay in arrimahaasi ay iska horkeeni karaan shaqaalaha iyo madaxdooda." kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil sare oo ka socotay wasaaradda caafimaadka waaxyaheeda ,ayaa waxa kale oo laga hadlayeyqorshayaal cusub oo lagu hagaajin karo adeegyada caafimaad ee xarumaha ka furan degmooyinka gobolka Awdal oo ay ka mid yihiin Saylac,Lughaya,Baki iyo Boorama.Hadalkan Guddoomiyuihu waxa uu ka dambeeyey hadal horey Isuduwaha caafimaadka gobolkan awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi ugu eedeeyey Hay'ado ay ka mid yihiin UNICEF, IYO ICD oo uu ku sheegay inay taageeradii caafimaad ee gobolka awdal loo fidin hay'daha lugta ku leh ay u jarjareen dad shicib ah iyo ururro NGOyo ah oo aan lug ku lahayn hawlaha caafimaad.Ugu daambayn Guddoomiyaha Gobolku wuxu ammaan u u jeediyey maamulka caafimaadka haataan oo uu ku sheegay in dawladda iyo maamulkiisuba ay ka nasteen murankii iyo isqabqabsigii ka taagnaan jiray maamulka caafimaadka sannadihii lasoo dhaafay.

Top


Baanka Somaliland Wuu Caafimaad Qabaa

Hargeysa (Haatuf): Waxaa beryahan dambe soo baxayay warar sheegaya in khasnadda dawladdu ay faaruq tahay, isla markaana uu madhan yahay baanka Somaliland, balse waxa arrintaa beeniyay guddoomiyaha baanka Somaliland, C/raxmaan Ducaale oo shalay soo saaray war-saxaafadeed uu arrintan kaga hadlayo. War-saxaafadeedkaasna wuxuu u qornaa sidan:

"Waxa jirta in beryahan dambe dacaayado been ah oo laga faafiyay khasnadda Dawladda iyo baanka, kuwaas oo lagu dhex-tuuray dadweynaha dhexdiisa loogana jeedo in dadweynaha marxaladdan kala guurka lagu rido jiha-wareer, isla markaana laga lumiyo kalsoonida hay’adaha dhaqaalaha iyo dalkaba. Dacaayadahaas waxa ka mid ah in khasnadihii baanku haawanayaan oo madhan yihiin iyadoo lagu takri-falay dakhligii soo ururay. Tan kale, waxa iyana si xooggan suuqa loo geliyay in guddoomiyaha baanku ka istiqaalay shaqada.

Haddaba, guddoomiyaha baanku markii uu arkay dacaayadahaas rakhiiska ah oo si joogto ah dadweynaha dhexdiisa la war-wareejinayo wuxuu u arkay lagama maarmaan inuu war-saxaafadeedkan soo saaro, isagoo umadda u sheegaya in dacaayadahaasi yihiin wax kama jiraan, baanka Somaliland-na wuu caafimaad qabaa, isla markaana adeegii uu u hayay Dawladda, ganacsatada iyo dadweynaha si caadi ah ayay u socdaan. Sidoo kale, dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee ka dhexeeya Dawladda iyo baanku waxay yihiin kuwo caadiya kuna socda nidaamka maaliyadeed ee u degsan dalka oo aanay sidii hore wax iska beddelin.

Tan kale, guddoomiyaha baanku wuxuu u sheegayaa umada Somaliland in aanu xilka uu hayo wax istiqaalad ah ka dhiibin, isla markaana xidhiidhka ka dhaxeeya baanka iyo Dawladdu uu yahay mid caadi ah.

Sida aynu wada ogsoonahay dalku awood uma yeelan inuu soo daabaco Lacag ku filan oo noqon karta mid gacmaha dadweynaha wareegta iyo qayb kayd ahaata oo kaabi karta tan hore, waxaana u daliil ah in gobolladeena qaarkood ay weli ku socdaan lacago kale. Haddaba, baanka Somaliland markuu dersay xaaladdaas wuxuu isticmaalay Siyaasadda ah xakamaynta dhaqdhaqaaqa lacagta (Tied Money Policy), si loo xakameeyo sicir-bararka suuqa mar haddii aanu dalku lahayn dhaqaale buuran. Siyaasaddaasu waxay noqotay mid keentay deggenaanshaha sarrifka suuqyada xorta ah ee dalka, isla markaana kalsooni siisay ganacsatada iyo dadweynaha oo aanay wax muran ahi ka taagnayn haba yaraatee.

Ugu dambayntii, waxaanu dadka dacaayadahaas wada u soo jeedinaynaa inay ka waantoobaan arrimahaas oo aanay dagaal siyaasadeed ka dhigin, maxaa yeelay baanku waa meel dhaqaale oo adeeg u fidiya Dawladda, ganacsatada iyo dadweynaha, mana habboona in kalsoonida ay umaddu u hayso baankeeda kutiri-kuteen iyo dacaayado been ah lagaga lumiyo."

Top


"Waxaan U Doodaa Dumar Eeshiyaan Ah Oo 50 Sanadood Kahor Xuquuqdooda La Dulmiyay"

Andai Sajor - Haweenay Reer Filibiin Ah Oo Hadda Ku Sugan Hargeisa

Hargeysa (Haatuf): Haweenay u dhalatay dalka Filibiin oo u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda boqolaal kun oo dumar ah oo ciidamada Jabaanku dagaal weynihii labaad ee adduunka u afduubeen si ay u kufsadaan waqti kasta oo ay u baahdaan, ayaa kasoo qaybgashay shir-hawleed ku saabsan xuquuqda aadamaha oo dabayaaqadii toddobaadkan lagu qabtay Ambassador Hotel - Hargeysa.

Haweenaydan oo magaceeda la yidhaa Andai Sajor ayaa waraysi ay siisay wakaaladda wararka ee Haatuf Media Network (HMN), ku sheegtay in ujeedada ka qaybgalkeeda shirkani yahay sidii ay uga warrami lahayd ololaha ay ugu jirto kiisas xad-gudub ku ah xuquuqda aadamaha oo ka dhacay 50 sano kahor dalalka eeshiyada koonfureed, koonfurta bari ee eeshiya iyo jasiirado ku yaala badweynta Baasifiga (Pacific Ocean).

Andai Sajor, iyadoo arrintaa ka hadlaysa waxay tidhi; "Waxaan u doodaa xuquuqda dumar eeshiyaan ah oo konton sannadood kahor xuquuqdooda la dulmiyay, waxaana waajib ah meel kasta oo la joogo in cadaaladda la mariyo, dawladaha iyo dadka ku xad-gudba xuquuqda aadamaha, goortay doonto ha noqotee."

Shir-hawleedka xuquuqda aadamaha ee lagu qabtay Hotel Ambassador, ayaa lagu soo hadal-qaaday xad-gudubyada xuquuqda aadamaha ee ka dhacay dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya waxa lagu soo qaatay cashar ku saabsan waayo-aragnimada laga dhaxlay ururada u dooda xuquuqda aadamaha ee ka jira meelo kale oo dunida ah, iyadoo laysla gartay si aanay falalkaas oo kale dib ugu dhicin inay lagama maarmaan tahay in la xaq-mariyo kuwii dhibanaa, isla markaana la horkeeno kuwii dembiyada geystay, arrintaas oo dood kulul ka dhexdhalisay ka qaybgalayaashii ka yimi Soomaaliya iyo kuwii ka socday Somaliland.

Haweenayda Andai Sajor oo ka warramaysay sida uu ololeheedu u soo shaac-baxay waxay sheegtay in dhaqdhaqaaqoodu ka unkamay mudaharaadyo yar-yar oo ka bilaabmay sanadkii 1991-kii waddamadii laga af-duubay dumarkii kufsiga u xero ooteen ciidamada Jabaanku dagaalkii labaad ee adduunka. Kacdoonkaas 1991-kii wuxuu ka dhashay markii la ogaaday hawlgal waqtigaas dalka Kaamboodiya lagu geynayay ciidamo nabad-ilaalineed oo ka tirsan Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, kuwaas oo ay Dawladda Jabaan ay damacsanayd inay ku darto ciidamo miletari ah oo dalkeeda ka socda, taas oo kicisay dareenka dumarkii ka noolaa haweenkii ay fara-xumeeyeen ciidamada Jabaanku, in ka badan 50 sannadood kahor.

Andai Sajor, iyadoo arrintaa kasii hadlaysa waxay tidhi; "Wixii ka dambeeyay 1991-kii, waxa halkaas ka abuurmay abaabul weyn oo lagaga dalbanayo Dawladda Jabaan inay qirato fal-dambiyeedyada dagaal ee ay ciidamadeeda u geysteen dumarkaas, isla markaan ay siiso mag-dhowyo dhammaan dumarkii waxyeeladu kasoo gaadhay halkaas, iyadoo talooyinka kale ee lasoo jeediyay ay ka mid ahayd in lagu daro manhajyada iskuulada Jabaan taariikhdii ku saabsanayd xad-gudubbyadaas."

Haweenayda Andai Sajor, oo ka warramaysa natiijooyinkii laga gaadhay ololeeda waxay sheegtay in ay arrimahan kala kulantay saddexdii raysal-wasaare ee u kala dambeeyay ee talada dalka Jabaan qabta, isla markaana ay Dawladda Jabaan oggolaatay inay bixiso mag-dhow ($20,000) labaatan kun oo dollar, oo la siinayo haweenay kasta oo ka mid ahayd kuwii dhibta loo geystay.

Waxa kaloo ay sheegtay inay Dawladda Jabaan soo gaadhsiisay warqad qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay raysal-wasaaraha dalkaasu, taas oo ay kaga cudur-daaranayaan wixii dhacay, balse aanay ku xusnayn ciddii mas’uulka ka ahayd fal-dembiyeedyada dhacay.

Waxa kaloo ay intaa ku dartay inay Dawladda Jaban oggolaatay inay wixii dhacay lagu xuso manaahijta dugsiyada dalkaas.

Hase yeeshee, waxay tidhi, "Waanu diidnay labada qodob ee hore, maadaama ay Dawladda Jabaan aanay si cad weli u qiran, in wixii dhacay ay ahaayeen fal-dembiyeedyo dagaal (war crimes), oo lid ku ah banii-aadamnimada, halgankayagiina weli wuu socdaa, waayo hadii laga hadho arrintan oo kale waxay noqon doontaa mid mar kalena dhacda."

Top


Garabka General Cadde Muuse Oo Jawaab Ka Bixiyay Baaqii Nabadeed Ee Kasoo Yeedhay C/Laahi Yuusuf

"Nabadda Puntland Waxa U Sal Ah Mabda’a Aayo Ka Tashiga Oo La Isla Qaato, Colaada C/Laahi Yuusufna Way Dhaafsiisan Tahay Puntland" Cismaan Salaad Axmed

Hargeysa (Haatuf) Afhayeen u hadlay garabka General Cadde Muuse oo magaciisa la yidhaahdo Col: Cismaan Salaad ayaa waraysi uu xalay khadka telefoonka ku siiyay wakaalada HMN kaga jawaabay baaqii nabadeed ee uu todobaadkii ina dhaafay ka soo saaray magaalada Eldoret ee dalka Kenya, kaasoo sida uu BBC-da ka sheegay dadka reer Puntlad uu ugu baaqay inay heshiisiiyaan. Isla markaanaa garabka Cadde Muuse ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan. 

Afhayeenka oo arrintaa ka jawaabayaa, isagoo jooga gobolka Bari ee Puntlad, wuxuu sheegay in nabadgalyada Puntlad ku xidhan tahay dadka oo ka tashada aayahooda, isla markaana ka xorooba jujuubka iyo awood maroorsiga uu ku hayo C/laahi Yuusuf, Col: Cismaan wuxuu intaa raaciyay in aanay nabadu ahayn sida uu C/laahi Yuusuf u yaqaan, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi "Malaha C/laahi Yuusuf wuxuu nabada u yaqaan, in la isu dhiibo, maamulkiisa oo taas la dhaafsado xilal uu dadka ku magacaabo, isagaana go’aansaday inuu dagaal ku muquuniyo dadka reer Puntland ee diidan xaqdarada uu maamulkiisu ku hayo, ka dib markii uu dagaalo joogto ah ka aloosay dhulka Puntland, laga soo bilaabo weeraradii dhacay mudooyinkii u dhaxeeyay August 5-teedii 2001- December 30-keedii 2002."

Afhayeenku waxa kaloo uu sheegay in C/laahi Yuusuf diiday oo gaashaanka u daruuray go’aamadii ay gaadheen odayaasha degmada Qardho ee ahaa in ciidamada maleeshiyada ee dadka dhibaya laga saaro aaggaa.

Afhayeenku isagoo faahfaahin ka bixinaya sababaha ku kalifay C/laahi Yuusuf inuu baaq nabadeed jeediyo waxa u sheegay inay tahay saddexdan qodob.

  1. Khasaaraha iyo jabka kaga yimid dagaaladii gardaradda ahaa ee uu ku qaaday shacabka Puntland gaar ahaan gobolka Bari.

  2. Waxa uu go’doon ka noqday kuna hongoobay shirweynihii ka socday Eldoret, markii loo arkay inuu yahay nin aan dadkiisa u tudhayn oo aan dad kalena wax u tarayn.

  3. Dad ay qaraabo yihiin oo dhibaatadii soo gaadhay, kuna khasbay inuu joojiyo weerarada uu wado.

Dadkaas reer Puntland iyadoo aanu ugu mahad celinayn dedaalkooda waxaan u sheegaynaa in nabad ka dhacda gobolku ay ku imanayso soo afjarista awood sheegashada C/laahi Yuusuf.
Col: Cismaan Salaad wuxuu ku balan qaaaday in marka umada Puntland ay soo afjarto colaada aanay taasi keenayn wax aargoosi ah oo ka yimaada dhinaca garabkooda.

Wuxuuna ku sheegay baaqa C/laahi Yuusuf inaanu ahayn mid nabadeed, ujeedo siyaasadeedna laga leeyahay oo aan lagu gaadhi karin qori caaradii.

Afhayeenku isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi "Anaga ayaa nabad dhab ah ku baaqayna, waxaananu leenahay, waa inay dadka reer Puntland aayahooda ka tashadaan, islamarkaana waxaanu ugu baaqaynaa dhalinyarada iyo ciidamada uu jaha-wareeriyay inay ka gadodaan, kana baxaan intay isku nafbixi lahaayeen walaalahooda kale ee ay wada dhasheen, waxaananu u haynaa mustaqbal iyo nolol wanaagsan."

Afhayeenka u hadlay garabka Cadde Muuse wuxuu ka digay dadka hantidooda uu boobayo C/laahi Yuusuf iibsada, isla markaana wuxuu intaa ku daray in dadka reer Puntland ay ka xun yihiin dhibaatada uu C/laahi Yuusuf Maamulkiisu ku hayo, xaqa dadka reer Somaliland u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan, laguna khasbo inay ka qayb galaan shirka Eldoret.

Waxaa kaloo afhayeenku sheegay inay aad uga xunyihiin caga-juglaynta uu C/laahi Yuusuf ku hayo dadka Koonfurta ee uu leeyahay waan muquuninayaa. Wuxuuna intaa ku daray inaanay shacbiga Puntland la qabin C/laahi Yuusuf gardarooyinka uu wado, ee dhaafsiisan gobolka Puntland.

Dhinaca kalena wararka ka imanaya Puntland ayaa sheegaya inay shalay maleeshiyada C/laahi Yuusuf jeelka Boosaaso u taxaabtay Isim Muuse Faarax oo ku magac dheer (Muuse Onkod), hase yeeshee ay dadkii ku soo qamaameen oo ka sii daayeen maleeshiyadii qabsatay Isimkaa. 

Top


Hargeysa: Maayorka Lasoo Doortay Iyo Maayorkii Hore Oo Munaasibad Ballaadhan Xilka Kula Kala Wareegay

"110,000,000 Oo Deyn Ah Ayaan Bixiyay, Laakiin Maan Bixiyeen Ee Cadaadis Baa La I Saaray" Axmed Dheere

"Shaqaalaha D/Hoose Waa Inaanay Hawsha Ugu Soo Hagaagin Sidii Hore" Maayorka Cusub


Hargeysa (Haatuf): Maayarka cusub ee uu golaha degaanka Hargeysa dhowaan doortay, Xuseen Maxamed Jiciir ayaa shalay xilka kala wareegay maayarkii hore ee Hargeysa, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-dheere), waxaana xaflad balaadhan oo la xidhiidha munaasibadda xil-wareejinta lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta shaqaalaha dawladda, iyadoo ay xafladdaa ka soo qayb galeen shir-gudoonada baarlamaanka, wasiiro, madaxda axsaabta siyaasadda, xubnaha golaha degaanka ee dhowaan la doortay, masuuliyiinta xilka la kala wareegaysa, kooxaha ganacsatada iyo martisharaf kale. Laakiin waxa ka mid ahaa martisharafta munaasibadaa lagu casuumay maayaradii isaga dambeeyey magaalada Hargeysa, waxayna madashaasi ahayd mid si weyn loo soo camiray, isla markaana munaasibadaasi waxay ahayd mid aad uga duwan munaasibadihii hore ee ay xilka kula wareegi jireen maayaradii hore.

Maayarka xilka la wareegay Xuseen Maxamud Jiciir waa maayarkii u horeeyey ee hanaan doorasho ah kursiga ku yimaadda muddo dhawr iyo soddon sannadood ka badan, iyadoo ay maayaradii isaga ka horeeyey dawladda dhexe soo magacaabi jirtay, laakiin maayarkani waxa uu ka soo dhex-baxay 25-ka xubnood ee golaha degaanka Hargeysa ee dhowaan ka soo kala baxay ururadii siyaasadeed ee u tartamay doorashooyinkii golayaasha degaanka ee dalka Somaliland ka dhacay 15-kii bishii Disembar 2002.

Barre Nuux oo ah ninkii u horeeyey ee kursiga maayarnimada ku fadhiista markii ay talada Somaliland la wareegeen maamulkii SNM sannadkii 1991-kii ayaa barnaamijka xidhiidhinayey, isla markaana ereyo kooban ku aftaxay, laakiin Cawl Cilmi Cabdalle oo ahaa maayarkii ka horeeyey maayarka shalay xilka wareejiyey Axmed-dheere ayaa makarafoonka u holladay, isaga oo doonayey inuu meesha ka hadlo, balse wasiirka arimaha gudaha oo kulanka gudoomayey ayaa taa diiday, una sheegay Cawl inaanay fursadi uga banaanayn hadalka.

Labada nin ee xilka la wareegay (Jiciir & Axmed-dheere) ayaa halkaa ka jeediyey khud-bado la xidhiidha marxaladaha iswaydaartay, iyadoo labada nin mid waliba uu meesha ka jeediyey hadalka fool-kiisa ah, laakiin ninkii maayar-xigeenka koowaad u ahaa maayarkii xilka lagala wareegay, Ibraahin Xasan ayaa hadalka uga horeeyey Axmed-dheere, wuxuuna aad ugu dheeraaday dhibaatada dhulka oo uu ku tilmaamay mushkiladda ugu adag ee maamulkooda hortaalay, hadana u hortaal maamulka cusub. Intaa ka dib waxa makarafoonka lagu soo dhoweeyey maayarkii hore, Axmed-dheere, wuxuuna Axmed ka waramay waayihii soo maray maamulkiisa muddo 7 bilood ah uu kursiga maayarnimo ku fadhiyey, isaga tilmaamo ka bixiyey wixii u qabsoomay, caqabadihii ka horyimi iyo baahida waqtigan xaadirka ah hortaal maamulka cusub iyo weliba wixii dhaxal ah ee uu maamulkiisu meesha kaga tegay. 

Axmed-Dheere ugu horayn waxa uu dadka reer Hargeysa ka codsaday inay la shaqeeyaan maamulka cusub, isaga oo sheegay inaanay maamulka cusub waxba u qabsoomayn hadii aanay gacan ka helin dadweynaha.

"7 bilood ayaanu anagu xilka haynay, laakiin toddobadaa bilood waxaanu bixinay 9 bilood oo mushahar ah, markaa maanta bishaa soconaysa mooyee dawladda hoose laguma laha wax mushahar ah"ayuu yidhi maayarkii hore, isaga oo ka waramaya wax qabadkiisii, wuxuuna intaa ku daray "Toddobadii bilood waxaanu dawladda hoose ku soo kordhinay 6 baabuur, saddex waaweyni oo kuwa nadaafadda ah iyo 3 yaryar, waxa kale oo noo suuragashay inaanu laba xaafadood biyo-gelin ku samayno". Laakiin maayarkii hore Axmed-dheere, isaga oo tilmaamaya waxa uu dhaxal-galka u arko ee uu maamulkiisu uga tegayo dawladda hoose wuxuu kor u taagay buug weyn oo daabacan, buugaas oo uu sheegay inuu xambaarsan yahay sharcigii iyo qorshaha shaqo ee ay dawladda hoose ka duulayso, wuxuuna yidhi "Markii aanu shaqada bilownay waxaanu ka bilownay oo aanu nidhi waar dawladda hoose sharcigii ay ku shaqayn lahayd aynu samayno, ka dibna way noo suurtagashay inaanu samayno, waxaanuna maanta maayarka cusub ku wareejinaynaa sharcigii dawladda hoose, ujeedada buuguna waxa weeye tusaale ahaan wiilka cashuuro qaadaha ahi waxa uu doono ayuu qaadaa, laakiin maanta hadii ay islaani xanuunsato waa la ogaanayaa, sidaa darteed wax dambe dawladda hoose kama lumayaan."

Maayarkii hore, isaga oo weli ka hadlaya wax qabadkii maamulkiisa wuxuu yidhi, "Sariibadda Hargeysa waxa la sameeyey xiligii Ingiriiskii, waxaana loogu tala galay in 300 oo neef ama 200 oo neef lagu qalo, laakiin maantana waxa maalintii lagu qalaa 1000 ama 2000 neef, ka dibna waxa noo suurta gashay inaanu xero-dhiig cusub samayno magaaladana ka saarno, sidoo kale waxaanu samaynay dhudhubada biyomareenada, laakiin dhul baa na waalay ee waxyaalo badan ayaanu qaban lahayn, runtiina dhibaatada dhulka sas baanu ka qaadnay, waayo hadii aad aragto qof kugu soo socda waxaad is odhanaysaa tolow ma dhul buu kaala hadlayaa."

"Bini-aadan baanu nahay oo koley dhaliil waanu yeelanaynaa, qaar baanu meel kaga dhacaynaa, markaa ha laysa saamaxo"ayuu yidhi Axmed-dheere inta uu gacmaha kor u taagay. Laakiin Axmed-dheere, isaga oo ka hadlaya dhinaca daynta wuxuu sheegay in isbeer ay Itoobiya u dirsadeen lagaga leeyahay $4000-U.S-doolar, "Wax dayn ah intaas ayaan ogahay intaasina waxay nagu hadhay intii dhulka la xidhay oo uu dakhligu naga yaraaday"ayuu yidhi, Axmed-dheere, laakiin isaga oo ka hadlay dayntii uu ka dhaxlay maayarkii ka horeeyey Cawl Cilmi Cabdalle wuxuu yidhi "Dayntii hore ee nalagaga tegay waxay ahayd 586 Milyan oo shilin Somaliland ah, waxaanuna bixinay 110 Milyan, intaana maan bixiyeen ee cadaadis baa lay saaray."

"Meesha aan arkay hadii aan ninkaa (Mayarka cusub) loo hiilin, waxa taal dhibaato badan"ayuu Axmed-dheere hadalkiisa ku soo afjaray. Intaa ka dibna waxa hadalka qaatay maayarka cusub, Xuseen Maxamud Jiciir, wuxuuna ugu horayn u mahad naqay cidii dooratay iyo ururadii tartamay ee suurta geliyey doorashada uu ku soo baxay, laakiin waxa hadaladiisa ka mid ahaa "Maanta waa maalin weyn oo taariikhiya maadaama aynu dhawr iyo soddon markii u horaysay u fadhino maamul la soo doortay oo la wareegay hogaaminta magaalada, waxayna hawshayadu noqon doontaa wada shaqayn iyo masuuliyadda oo naga wada dhexaysa, shaqaalahana waa inay u cadaato shaqo maalmeedkooda si aanu ugula xisaabtano, waxaanuna ku dedaalaynaa inaanu baaj cusub u furno dawladda hoose, kaas oo aanu doonayno inuu rikoodh u noqdo wixii naga dambeeya, laakiin shaqaalaha dawladda hoose waxaan u sheegayaa inaanay hawsha cusub ee bilaabmaysa ugu soo talo gelin sidii hore, ee ay waajibkooda qaybsadaan, dadweynaha na soo doortayna adeegooda aanay nagu fashilin, waana inay hawlaha dawladda hoose dhabbada tooska ah qaybsadaan xag farsamo, xag dhaqaale , cadaaladna aanu ku xisaabtami doono."

Maayarka cusubi waxa uu dadweynaha reer Hargeysa ka codsaday inay xilkooda gacan ku siiyaan, laakiin isaga oo ka hadlaya dhinaca cashuuraha wuxuu yidhi "Dadweynaha iyo gacansatadu cadhuurta way bixin jireen, laakiin cashuurta waa la sicir-barariyaa, waayo dhalinyarada ururisaa dadka lacag badan bay u sheegaan si ay lacag uga qaataan, dawladdana inyar ugu xeraayaan, balse waxaanu u sheegaynaa in cashuurta xaqa loogu leeyahay oo keliya derbiyada loogu dhejin doono, iyagana waxaanu ka codsanaynaa inay cashuurta bixiyaan, isla markaana ay lacagtooda ku bixiyaan rasiidh, si kalena aanay waxba u bixin, anaguna waxaanu idiin ballanqaadaynaa inaanu wax idiinku qabano cashuurta aanu idinka ururino."

Gudoomiyaha rugta ganacsiga C/raxmaan Faarax Sugaal ayaa isna halkaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Maamulka cusub waxa laga sugayaan horumarinta caasimadda, iyaga ayaana xil ka saaran yahay sidii ay dakhli u keeni lahaayeen, ganacsataduna diyaar bay u yihiin inay cashuurta bixiyaan, laakiin kolba sidii aad wax u qabaatan ayaanu wax idiinla qabanaynaa".

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa ugu dambayn kulankaa xidhay, wuxuuna halkaa ka jeediyey hadal kooban, iyadoo ay ereyadiisa ka mid ahaayeen "Waxaan mahad gaar ah u jeedinayaa xubnihii hore ee xilka lagala wareegay oo wax dayn ah iyo wax dhibaato kale oo fara badan uga tegin maamulka cusub, sida ay sheegeena wax-qabad ka tegay, waayo hadii aan tusaale u soo qaato magaalada Burco markii uu maamulka cusubi xilka la wareegay 11 bilood ayey shaqaalaha Burco mushaharkii leeyihiin, isla markaana daynta lagu leeyahay dawladda Hoose ee Burco waxay kor u dhaaftay inka badan 3 Bilyan oo shillin Somaliland ah, markaa waxaan leeyahay hadii aad tihiin golaha degaanka Hargeysa aad baad u nasiib badan tihiin."

Top


M/Rayaale Oo Xilkii Ka Qaaday Mas’uuliyiin, Qaar Kalena Magacaabay

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xilka ka qaaday saddex ka mid ah golihiisa wasiirada, isla markaana magacaabay saddex xubnood oo cusub.

Sida uu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada, Cabdi Idiris Ducaale waxay kala yihiin: xubnaha shaqada laga eryey wasiirkii hore ee waxbarashada, Axmed Yuusuf Ducaale, waxaana jagadiisii loo magacaabay, nin la yidhaahdo Cismaan Xasan Mire. Sidoo kale waxa xilka laga qaaday wasiir-kuxigeenkii hawlaha guud, mudane Cawaale, waxaana wasiiru-dawlaha hawlaha guud loo magacaabay, Aadan Muxumed Diiriye (Ruush) iyo Nuur Axmed Cali (Goobo) oo loo magacaabay wasiir-kuxigeenka cusub ee dib-udejinta, iyadoo aan warsaxaafadeedka lagu xusin in xilkii laga qaaday iyo inkale wasiir-kuxigeenkii dib-udejinta Bashiir X. Xasan Geelle.

Top


Ma Runbaa C/Raxmaan-Tuur Wuxuu Ku Biiray UDUB?

Hargeysa (Haatuf) Madaxweynihii u horeeyay ee Somaliland C/Raxmaan Axmed Cali (Tuur) ayaa shalay booqasho gaaban ku tagay magaalada Berbera, waxayna wararku sheegeen inuu booqday qabriga uu ku aasanyahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.

C/Raxmaan Axmed Cali oo weheliyeen xubno ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani waxa uu sida la sheegay u soo duceeyay Marxuumka, isla shalayna waxa uu dib ugu soo laabtay Hargeysa.

Sidoo kale C/Raxmaan Axmed Cali waxa uu maalintii doraad booqasho tacsi ah ugu tagay marwadii uu ka dhintay marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal marwo Kaltuun X. Daahir, isagoo ku booqday guriga ay degentahay ee magaalada Hargeysa.

C/Raxmaan Axmed Cali waxa magaalada Hargeysa yimid horaantii todobaadkii hore isagoo ka soo kicitimay magaalada London ee carriga Ingiriiska.

C/Raxmaan Axmed Cali marka laga reebo warsaxaafadeed kooban oo uu ku sheegay inuu cimrigiisa inta ka hadhay nasasho ku qaadan doono dalkiisa, saxaafadda ma siin warar faahfaahsan oo ku saabsan mawqifkiisa siyaasadeed ee waqtigan xaadirka ah iyo inuu ka qayb qaadan doono arrimaha siyaasada Somaliland.

Sidoo kale C/RaxmaanAxmed Cali daboolka kama qaadin inuu ka noqday mawqifkiisii ahaa inay Somaliland iyo Soomaaliya isugu tagaan hab federal ah. Laakiin sida ay sheegeen warar u dhuun daloola C/Raxmaan Axmed tibaaxay inuu C/Raxmaan sinta saari doono ama ka mid noqon doono xisbiga UDUB ee uu gudoomiyaha ka yahay madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxayna wararku leeyihiin waxay maamulayaasha dawladdu doonayaan inuu ka caawiyo dhinaca farsamada siyaasada.

Hase yeeshee sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ahi C/Raxmaan Axmed Cali waxa markii u horeysay magaalada London dhawaan kula kulmay wasiirka warfaafinta dawladda Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale, taas oo ay wararku sheegeen inuu wasiirka warfaafintu C/Raxmaan Axmed Cali kala hadlay siduu uga caawin lahaa ololaha doorashooyinka madaxtinimada, isla markaana ay dawladdu taa ugaga abaal gudi doonto waxyaalo ay ka mid yihiin guri, baabuur, ilaalo hubaysaniyo shaqaale ay dawladdu mushaharkooda bixiso iyo waliba dhaqaale aan sheegin xadigiisa, iyadoo ay dawladdu sheegtay inay C/Raxmaan u fidisay cafis la xidhiidha mawqifkiisii Federal-ka iyo ka qayb galkiisa shirkii Carta. Laakiin arrimahaa C/Raxmaan Axmed Cali wax jawaab ah kama bixin.

Top


Maayorka Cusub Ee Berbera Oo Xilkii La Wareegay

Berbera (Haatuf) Duqa cusub ee golaha deegaanka Berbera Cabadale Maxamed Cali (Sandheere) ayaa maalintii shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay gudoomiyaha gobolka Saaxil oo si ku meel gaadh ah u sii hayay xilka duqa Berbera Maxamed Axmed Xasan (Baashe) sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Berbera C/Raxmaan X. Daahir (Casaan) xafladda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta dawladda hoose ee Berbera oo ay goob joog ka ahaayeen xubnaha golaha deegaanka Berbera, masuuliyiinta gobolka Saaxil, wakiilka ka socday qaybaha bulshada iyo marti sharaf kale oo badan, waxa hadalo ka soo jeediyay masuuliyiinta xilka la kala wareegayay.

Ugu horeyn waxa ka hadlay xafladaasi xil wareejinta ku simaha duqa Berbera Maxamed Baashe oo sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu xilka ku wareejiyo golaha deegaanka ee la soo doortay.

Ka diba waxa uu ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay muddadii gaabnayd ee uu xilka hayay, isaga oo sheegay inay wax badan ka soo qabteen dhinacyada kala duwan ee bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, nabadgelyada, adeegyada kala duwan ee bulshada.

"Hawsha baaxada leh ee halkan taala qofku wuu qiyaasi karaa, laakiin culayska ay leedahay waxa uu garan karaa marka uu saddex bilood joogo waxaanse haatan rajaynayaa in haatan guul laga gaadho, maadaama ay rag badani isugu yimaadeen" ayuu yidhi gudoomiyaha oo xilka ku wareejinay maayarka cusub, isaga oo intaa ku daray in dawladda hoose ay haystaan culaysyo badan oo ay ka mid yihiin macalimiinta oo ay qaarkood guno siiyaan, dhakhaatiirta iyo shaqaalena ay jiraan.

Waxaa isaguna xafladaa ka hadlay duqa cusub ee Berbera, Cabdale Maxamed Cali (Sandheere) oo ugu horayn u mahad naqay masuuliyiintii xilka hore u haysay iyo sidii ay u soo shaqeeyeenba.

Ka dib waxa uu ka hadlay xilka uu la wareegay iyo culayska uu leeyahay, "Ragayaga maanta xilka la wareegayaa waxaanu ka mid ahayn dadkii odhan jiray maxaa waxaa loo qaban waayay, ee dhaliili jiray maamulka dawladda hoose, xilkana waanu ku cusub nahay, markaa haddii aad in yar oo waayo aragnimo la’aan ah nagu aragtaan, ha nagula yaabina ee noo qariya," ayuu yidhi duqu isaga oo intaa ku daray in intii karaankooda ah aanay waxba kala hadhi doonin gudashada xilkooda.

Waxaa kale oo iyaguna xafladaa ka hadlay masuuliyiin xilka hore u soo qabtay oo ay ka mid yihiin Maxamed Xasan (Talaata-Codle) iyo Xasan Gadhweyne oo haatana xubno ka ah golaha deegaanka ee Berbera, iyaga oo ka waramay culayska uu leeyahay xilka lala kala waeegay iyo waxyaabaha horyaala masuuliyiinta cusub.

Xil wareejinta waxa iyaguna ku weheliyay labadooda ku xigeen.

Top


Dawladda Ciraaq Oo Guul Ku Tilmaantay Warbixintii Baadhayaasha Hubka

Baqdaad (W.Wararka) - Dawladda Ciraaq ayaa ku tilmaantay guul u soo hoyotay warbixintii uu golaha Ammaanka ee Q. Midoobay u gudbiyeen Madaxda baadhayaasha hubka oo ay jeediyeen maalintii jimcihii.

Af-hayeen u hadlay Dawladda Ciraaq ayaa ku sheegay warbixintaasi inay burinayso eedayntii Maraykanka ee ahayd inay Ciraaq haysato hubka wax burburiya, waxaanu intaa ku daray in kulanka G/Ammaanku uu u yahay Ciraaq fursad qaali ah oo lagaga qaado cuna-qabatayntii mudada dheer saarnayd iyo inay burburiso gidaarkii aamusnaanta ee mudada dheer ku gadaanaa dalka Ciraaq.

Dhinaca kale, Ra’iisal-wasaare ku xigeenka Ciraaq, Daariq Casiis ayaa sheegay inay dawladdiisu diyaar u tahay is-kaashi ay la samayso Madaxda iyo baadhayaasha hubka ee halwgalka ka wada dalkooda, tan iyo inta ay gaadhayaan xaqiiqada kama-dambaysta ah.

Waxay tani ku soo beegantay iyadoo uu weli socdo murankii iyo khilaafkii u dhaxeeyay dalalka reer galbeedka ee ka dhalatay warbixinta ay baadhayaasha hubku u gudbiyeen golaha amaanka.

Golaha amaanku waxay u qabteen 28-ka bishan in warbixin kale ay baadhayaasha hubku ay soo saaraan, taasoo noqon doonta natiijada kama-dambaysta ah ee laga gaadhi doono hawsha baadhayaasha hubka ee Ciraaq.

Top


Mudaharaado Waaweyn Oo Lagaga Soo Horjeedo Weerar lagu Qaado Ciraaq Oo Ka Dhacay Daafaha Dunida

London (W.Wararka) – Waxa maalintii shalay ka dhacay magaalooyin badan oo ka tirsan Caalamka mudaharaado waaweyn oo lagaga soo horjeedo weerarka uu Maraykanku la damacsan yahay dalka Ciraaq, isla markaana loogu baaqayay in xal nabadeed lagu dhammeeyo xiisada Ciraaq.

Magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ay ka dhaceen mid ka mid ah mudaharaadada ugu waaweyn ee ka dhacay caalmka waxa isugu soo baxay dad ay tiradoodu gaadhayso (1,000,000) hal malyuun oo qof ugu yaraan, oo isugu yimid badhtamaha magaalada London, kuwaas oo socod ku maray waddooyinka waaweyn ee magaaladaas, iyagoo ku dhawaaqayay erayo lagu diidan yahay weerarka Maraykanka.

Waxa kaloo ay mudaharaado ka dhaceen magaalooyin ka tirsan dalalka Yurub, sida magaalada Berlin oo ay isugu soo baxeen dad gaadhaya 350,000 (Saddex boqol iyo konton kun) oo qof, kuwaas oo diidanaa dagaalka, isla markaana taageersanaa mawqifka Dawladda Jarmalka ee diidan hanjabaada Maraykanka.

Dalka Faransiiska sidoo kale, waxa isugu soo baxay dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof oo diidanaa dagaalka, meelaha kale ee ay ka dhaceen mudaharaadadu Yurub waxa ka mid ah dalka Isbayn oo ay boqolaal kun oo qof isugu soo baxeen. Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, iyadana waxa isugu soo baxay dad lagu qiyaasay Saddex malyuun oo qof oo ka soo horjeeday weerar lagu qaado Ciraaq.

Dalka Giriiga ayaa isaguna ka mid ah meelaha ay ka dhaceen mudaharaadadu, iyadoo ay isugu baxeen dadweyne aad u tiro badan oo rabshado dhigay, taas oo markii dambe keentay inay boolisku ku isticmaalaan sunta dadka kaga ilmaysiisa.

Waxa kaloo ay mudaharaado ka dhaceen dalalka Holland, Denmark, Bulgaria, Romania, Qubrus, Belgium, Bosnia iyo Austria.

Marka la eego dalalka Carabta sidoo kale waxa ka dhacay mudaharaado aad u waaweyn meelaha ay ka dhaceena waxa ka mid ah dalka Suuriya oo ay isugu baxeen dad gaadhaya 200,000 oo qof caasimadda Dimishiq, dalka Masar, oo ay mudaharaad ka dhigeen dad gaadhaya 600 qof, dalka Isra’il ayay isagana sidoo kale mudaharaado ka dhaceen oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u farabadan.

Dalka Ciraaq laftiisa ayuu isagana ka dhacay mudaharaad aad u ballaadhan oo ay ka qaybqaateen boqolaal kun oo qof oo ka horjeeda weerarka uu damacsan yahay Maraykanku.

Qaarada Aasiya meelaha mudaharaadadu ka dhaceen waxa ka mid ah dalalka Jabaan, Kuuriyada Koonfureed, Maleesiya, Thailand, Hong Kong iyo Hindiya. Dalka Australia ayay isagana ka dhacay mudaharaad ay ka qaybqaateen 150,000 oo qof.

Dalalka qaaradaha Ameerika ayay iyagana ka dhaceen mudaharaado waaweyni oo ay ka qaybqaateen dad lagu qiyaasay 50,000 oo qof.

Magaalada New York ee xarunta Q. Midoobay ayaa iyadana waxa lagu wadaa inay isugu soo baxaan dad gaadhaya 100,000 oo qof iyagoo diidan tallaabo miletari oo laga qaado dalka Ciraaq.

Marka la isku soo wada duubo mudaharaadadaa ka dhacay caalamku waxay dhirbaaxo ku yihiin Dawladda Maraykanka oo u tafa-xaydan weerar ay ku qaado dalka Ciraaq, taas oo uu caalamku muujiyay inay aad uga soo horjeedaan, waxaana la filayaa inay taasi wax ka beddesho mawqifka Maraykanka.

Top


Afar Askari Oo Israa’iliyiin Ah Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qarxiyay Dabaabad

Tel Aviv (W.Wararka) - Afar askari oo Israa’iliyiin ah ayaa dhintay, qaar kalena way dhaawacmeen kadib markii weerar gaadmo ah lagu qarxiyay dabaabad ay wateen oo maraysay degmada Qasa.

Weerarkan oo ay fuliyeen dagaalyahan ka tirsan garabka miletari ee ururka XAMAAS oo la yidhaahdo Cisu-diin Al-Qasaan, waxa ay sheegeen war ay ka soo saareen dhacdadaasi in dhinacooda ay kaga shahiideen laba mujaahid oo hawlgalkaasi fuliyay. Sida ay sheegeen dad goob-joog ahaa, dabaabadaasi waxa qabsaday qiiq iyo holac, kadib markii ay cuskadeen dhawr gantaal, taas oo keentay in gebi ahaanba ay burburto dabaabadaasi.

Dawladda Isra’il wax war ah kamay soo saarin ilaa iyo hadda weerarkaasi, balse waxa la sheegay in Diyaaradaheeda dagaalku ay bilaabeen weeraro aar-goosi ah oo ay ka fulinayaan goobta weerarkaasi ka dhacay.

Top


Odhaahda Akhristaha

Sanqasho - Maanso
Arrin aan saluugaa suugaanta curiyoo sawaxan baa baxaayo sanqashaan arkaayoo waxbaa salag lahoo xaal baa surgacan.

Ninkastoo sasabo iyo sixir iyo sadrigiisu uu rabo soomaali weyn xidigaha sariyo samadawga dhaw.
Kal suldaaryo maqal aan digniin ku siiyee sididaada mooyee sin u dhacaaga sii hubi.
Ma anaa lay siraa ma anaa sidilig saakana ku luma.
Ma anaa sursuur iyo saymo gala,
Ma anaa salsala maanay sanqadhi siko igu tidhaa,

Ma anaa ka siga soohdintaan lahaa.
Ma anaa siista dheef Somaliland, ma anaa suus cuna.
Ma anaa sahwiya, ma anaa seega talo.
Ma anaa saxiyo qalad ii sinmaan.
Ma anaa saamo madhan iyo sacab lay tumaa,
Ma anaa seefo iyo soodh lay qarshaa,
Suryiyo surmo seeto xidha waxa suurta gala saaxiibkayaw Somaliland sida ay ku timid sicirkeeda garo.
Waa samroo dhiigbaw sunsumay.
Waa loo solmoo waa loo surmiyay.
Waa loo silcoo suur iyo xanjaa nabada u saldhiga.
Waa loo soomayoo saatir loo cuskaday.
Waa loo sadgoo ducaa lagu barjaray.
Waa loo sahamiyoo sayn cadaadi baa seeskeeda dhigay.
Saaxiibkayaw Somaliland sida ay ku timid sicirkeeda garo.
Intuu sabarka jaray suunkuu xidhnaa
Intuu suu durgumay
Intuu suuqa wadhay madfacii sinaa,
Inta sakawihii seexiyay makhluuq.
Intuu sibidh ka dhigay saaftay ruux,
Intuu sihid ku dhigay kaare lagu saliday,
Inta socotay wiil,
Inta gabadh suleekha ah,
Intii dhabarka lagu siday sabi iyo carruurtii inta sida ku maqan,
Inta miitii subax dilay,
Intuu sumuc ku jiro,
Inta segatayee seeduhu go’anyihiin,
Inta yar saray
Inta sankiyo sambaruuqa jaban,
Inta salasha een sidan maryaha,
Inta sabooshay ee sanadka lahayd,
Saaxiibkayaw Somaliland sicirkeeda garo.
Ama sahasho oo sidaad doonto yeel,
Saqiir iyo kabiir sanku neeflihii Somaliland siduu ku yidhi.

Ibraahim Axmed Ildab.
Hargeysa

Top


Madaxweyne Ku Xigeenku Hanaga Daayo Faragelinta

Muddo sanad iyo badh ahba waxaan hortaagnaa maxkmadda sare fulinta xuquuqdaydii mushaharo.

Dabadeed M/weyne ku xigeenka JSL iyo madaxweynuhuba waxay eryeen dhamaan garsoorayaashii maxkamadda sare marka laga reebo gudoomiyaha maanta, waxaanay maxkamaddii sare ay u magacaabeen garsoorayaal cusub oo xilkooda loo dhaariyay, garsoorayaashaa cusubi waxay gudo galeen dhagaysiga iyo qaadista dacwadii fulinta ahayd ee ka dhalatay xukunka dhaqan galka ah ee lam/ yahay ms/01/2000, dabadeed garsoorayaashii sare waxay soo saareen dacwadii fulinta ahayd qaraarka lambarkiisu yahay ms/102/2001 ee ku taariikhaysan tr: 21/12/2002, dabadeed gudoomiyahan maxkamadda sare wuxuu qareenkayga uu ka codsaday in maxkamadda sare ay ku amarto maareeyaha shirkada Total inuu keeno Maxkamadda sare lacagta dhan 990$ US ee ahayd xuquuqdaydii mushaharo, dabadeed gudoomiyaha maxkamadda sare wuxuu amray garsoore Dr: Cali Cabdi Guuleed inuu maareeyaha shirkada Total u diro qoraal amar ah, dabadeed garsoorihii sare wuxuu u diray maareeyihii shirkada Total qoraaka Lambarkiisu yahay Ms/102/2002 ee ku taariikhaysan 29/12/2002 oo maareeyaha shirkadda Total lagu amrayo inuu muddo toban cisho gudahoo uu ku keeno lacagta dhan $990 US, dabadeed maareeyihii shirkadda Total wuu diiday oo wuuna ka dhaga adaygay amarkii M/sare dabadeed gudoomiyaha maxkamadda sare Siciid wuxuu amray garsoorihii inuu talaabo ka qaado maareeyahaas.

Dabadeed garsoorihii sare Dr. Cali Cabdi Guuleed wuxuu soo saaray waaranka lambarkiisu yahay Ms/102/2001 ee ku taariikhaysan 30/01/03 ujeedadiisuna tahay amar soo qabasho maareeyaha shirkadda Total sida waafaqsan qodobka 95 ee xeerka habka ciqaabta (amar diido).

Haddaba markii taliyihii saldhiga dhexe ee booliska Berbera uu soo qabtay 01/02/03 maareeyihii shirkadda Total isaga iyo xeer ilaaliyihii gobolka ayaa waxa soo dhex galay oo is hortaagay madaxweyne ku xigeenka JSL Axmed Yuusuf Yaasiin ka dib markii uu shirkii golaha deegaanka Berbera dhexdiisa iyadoo lawada maqlayo uu toos ula hadlay janankii booliska JSL (C/qaadir) oo uu amray inuu si dhakhso ah ula soo hadlo taliyaha saldhiga dhexe ee booliska Berbera ee fulinaya waaranka maxkamadda sare janankii booliska JSL wuxuu la soo hadlay (by Mobile) taliyihii saldhiga booliska ee Berbera oo uu faray inaanu fulin waaranka maxkamadda sare ee JSL. Sidaasna waxaa lagu sii daayay maareeyihii shirkadda Total, farogalintaasin waxay tahay ujeedo lagula shiraakoobayo shirkadda Total lunsiga xuquuqdayda mushahaaro, waana talaabo sharci darro ah oo la doonayo in na loogu horseedo sharci daro, keeni karta fadqalaale iyo xasilooni darro.

Markaa ma jirto maanta meel kale oo aan u ashkatoodo waxaana hubaal ah in garsoorayaashan sarena la eryi doono, markaa anigu haddii aan ahay muwaadin helitaanka xuquuqdiisa mushahaaro aan marnaba ka hadhayn waxaan codsanayaa in la sidii nabiyulaahi Yuusuf (Cs) in la ii gudbiyo xabsi aan ku daa’imo, maadaama aanan waxba gaysanayn, waayo waxaan ahay dhegxumo niman dalkiisa la jeclayn oo xumo lagu dirqiyo.

Maxamed Xasan Siciid (Saldhige).
Hargeysa

Top


WAA MAXAY JACAYLKU

Maqaalkan waxaan ku qaadaa dhiqayaa waxa uu yahay jacaylku , anigoo ugu talo galay maalinta jacaylka ee 14-ka February, sida loo aasaasay iyo ujeedada laga leeyahay. Runtii akhristow sidaad adba ogtahay jacaylka dhabta ahi waa ka hooyada. Ma odhan karno jacayl kale majiro laakin hooyadaa xitaa hadii aad adigu karaahiyeysato oo aad had iyo jeer aflagaadayso koley iyo koley waa ta kuu soo raxmadoota. 

Waxaa jira jacayl ka dhexaynkara 2 dhedig ah ama 2 lab ah, kaasi ilama aha inuu waaro. kan seddexaad oo ah mid ka dhexeeya lab iyo dhedig, kaasoo ah kaan uga gol leeyahay maqaalkeygan, runtiina aad loogu ciyaaray.

Erayga jacayl wuxuu noqday mid caruurta ay ku hadaaqaan, loona badelay macnihiisa oo dhan inuu yahay inay dhalinyarada sheekeystaan markay kala xiise dhacaana ay kala didaan. waa wax cajiib ah oo lala yaabo, maxaayeelay, waxaaan hubaa in dhallinyarada hada joogtaa haba u badnaadaan ardayda iskuulada iney iyaga yihiin waxa ku tuntay macnaha ereyga jacayl, ayna tahay wax ay dhag ka maqleen ka dibna ay ku hadleen laakiin ismay odhan muxuu yahay jacaylku? xaguuse ka yimi? waana taa ta siigada kulul ku shubtay jacaylka.

Jacaylku wuxuu noqday mid ay ku danaystaan dhalinyarada maanta iyagoo ku baabi'inaya mustaqbalkooda, iyadoo ay dhacdo iney labaduba is dagayaan midba mid wakhtiga ku luminayo, bal maxey ka dheefayaan dabeysha ay isku dilayaan.

Jacaylka maanta waa wakhti lumis, waa magac la dhalan rogay, waa halkudhig aan sal lahayn, waa afmacays iyo kaftan aan sal iyo raad toona lahayn, waa xiise aan dhab aheyn.

wuxuu noqday af gabaadsi ay ku soo gabadaan dadka qaarkii gaar ahaan raga isagoo dantiisu tahay hallaynta hablaha, axsaana aan u samaynayn oo is leh:

Tan xidhoo tan xabaal 
Tanna caawa xareyso, 
Tanna xeebta geeyoo 
sharafteeda ku ciyaar,
Tanna wax baas u xanbaari oo nolosheeda xabaal.
Habluhuna kama liitaane waxay door moodeen:
Dhanbankaaga ku xoogso
Diyaarad xiinta ku raaac
Gaadhi xiise leh fuul
Kan xisaabta ka qaad 
Kanna xaafada geeyoo xogtaada yaan la ogaanin.
Hadaan isku soo duuduubo labada dhan ba waa laga liitaa waxayna ka dhigeen jacalka xeelad ay isku ugaadhsadaan ragga iyo dumarka.
Haddii mid mid aad xulataan oo aad ku ekaataan 
xalaal maal noqotaan ma cirkaa dumi mise dhulka.
Xumaantan dhalatee xakamaysay wanaagii, 
hadii aan lagu xiiqin xoogna aan la tusin, 
oo ay hana qaado xaqa way duminaysaayoo 
xabaal bay ku ridaysaa. 
xidhiidhkii dhaqankeena 
xuubkaa guudka ka fuulay 
hadaynaan ka xayuubin waa xaaraan nolosheenu 
ee dhallinyaroy isla yaaba oo naga joojiya xumaanta

Haddaba jacaylka ka dhaxeyn kara lab iyo dhedig ayaa u qaybsama laba qaybood:

  1. Jacayl dhab ah:- waa midka runta ah ee loo labada qof ay isku jecelyihiin si run ah waana jacayl aan duugoobin haday xitaa gaboobaan kuwii abuuray, waa mid sababa wareer hadii labada mid aanu dhab ka ahayn, waa jacayl mustaqbal, waa mid midho dhala, waana mid ka dhowrsoon xumaan.

  2. Jacayl dhalanteed ah: - waa mid aan dhab aheyn waa mid ah xiiso biirey oo xididaystay, waa mid lagu yaqaano khiyaamo iyo wakhti lumis, waa mid aan laabta jirin.

Tusaale: waxaa dhacay wiil ayaa gabadh jeclaaday jacayl aan ujeedo lahayn, ismuu waydiin maxay kuu faa’idaynaysaa, maxayse kaa luminaysaa. Saaxiibkeen isagoon taladiisii aan gorfayn ayuu iskala soo aaday gabadhii uu ka helay,sifudud ayeyna uga aqbashay waayo wuxuu tusay inuu aad u jecelyahay. Waxba yaan hadal kugu daalinine dadkii xoogaa ayey si farxada ku wada socdeen ilayn weli xiisihii ma dhimaanine. Inankii wuxuu lahaa balwad ah sigaar cabid, inantuna ama ayna jeclayn, intii hore wey u adkaysatey hadase wey u dulqaadan kari wayday qiiqa sunta ah. sifudud ayay u tidhi "iska daa sigaarka wuu idhibayaaye". Inankii tixgelintii beenta ahaydintuu ilaabay ayuu yidhi "ma adigaa ii iibiyey markii hore, hadii uu ku dhibayo anigaa jecel ee iga daa warka badan", inantii wey u malaysan wayday ereyadan kulul ee uu muuse kula hadley waxay ku hadasho ayey garan wayday, dabadedna waxay tidhi"oo maxaad isla waalaysaa wuxuun baan kuu sheegayaye" . isna wuxuu ugu jawaabay "waad edeb daran tahay, yaa ku yidhi balwadayda fara gasho, anagaa marka hore wax qudhun ah la saaxiibnay oo qaldanayn."

Akhristow adba qiiyaasoo sidee ayey inantaasi noqotay. Sidaas ayey ku kala hadheen, lagamana yaabo xitaa inay salaanta muslinka iska qaadaan meelkasta oo ay isku arkaan.

Waad fahanteen ayaan u malaynayaa ujeedada tusaalahan, bal labadan qof ma waxbey kala faa’ideen? Jawaabta waad garanaysaan.

Markaa isku soo duuduuboo waxa keenay in dhibtanu dhacdo waa micnaha ereyga jacaly oo si khaldan loo fahamay.

Ahmed abokor Mohamed
Berbera.

Top


Dhulkii Somaliland Oo Hadlay

Ka i daadaheeyee danahayga wada iyo
Ka i daalinaayeen danbiyada iga galay
Dal madhan in aan ahay....hadba duul jaleecoo
Daymadaha hareerah kala dooran waayee
Aaway daramlkii iyo magacii geesinimadee 
shalay { xiligii faqashta } lagu dagaal galay
Way tolaay dadkaygow maad dantiina garataan
ileyn doqoni calaf ma leh ee durba maxaa ka baylahay.
Su’aasha meesha taala waxa weeye ee uu dalkii Somaliland doonayaa in uu
weydiiyo { Mujaahid Mudane Cabdiraxmaan ahmed ali "tuur" }
in uu ka soo noqday wixii uu aaminsanaa iyo in kale please ii ugu soo qoro saxaafadaha somaliland hana ka soo jawaabo

Aniis

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 87aad

Mingistu: Kooxihii sitay mawqifyadii kala duduwanaa ee falsafadihii Yurubta iyo Maraykanka xumaantii ay la joogeen meelahaa ayey xiligii qaraxii kacaanka dalka la soo galeen, taas ayeyna ahayd arintii aadka u fooshaxumayd ee jirtay. Tusaale ahaan dhalinyaradii uu mawqifkoodu ahaa "Wax baan baranay, mustaqbal wanaagsan baanu dalkayaga hooyo u noqon doonaa" ayaa inta ay shicibkii dhexyimaadeen qalalaase ka dhex-abuureen. Ka dibna suntoodii ay daawada u waayeen inta ay debedda kala yimaadeen ayey dalka gudihiisa ku saydh-saydhiyeen. Isla markaana colaadoodii ay sida xad-dhaafka ah u faafiyeen markii ay awoodi kariwaayeen inay hakiyaan ayey hadana cadawyadii dalka la soo safteen. Laakiin anagu waxaanu ahayn niman askar ah, sidaa darteed xuduudaha iyo midnimada dalka arin muran gelinaysa ma awoodno inaanu ka wada xaajoono cidna, waxaana na saarayd masuuliyad laban-laab ah. Markaa inaanu xilka iska dhigno oo aanu dalka iskaga baxno ama midnimada dalka inaanu u dagaalano ayey mid noqonaysaa, laakiin may jirin mid saddexaad oo muuqatay. Laakiin IHABA-du markii u horaysay ee ay "B" tidhi tijaabadii u horaysay ee ay ku bilowday waxay ahayd isku daygii ay ku doonaysay inay aniga I disho, waxayna ahaayeen kooxdii loo soo diray inay I khaarajiyaan niman tababar ku soo qaatay Ereteriya, kuwaas oo ka kala socday IHABA-da iyo Shacbiya (Jabhadda Ereteriya), waxayna ahaayeen dhig-yacabyo, intaa ka dibna waxay bilaabeen inay gumaadaan dadkii rayidka ahaa ee ka soo horjeeday falalkoodii fooshaxumaa. Tusaale ahaan musharaxiintii qabaleega (Ururada xaafadaha), xubnihii dhergiga iyo dadkii rayidka ahaa iyaga oo aan u aabo-yeelin ayey dhammaantood ku bilaabeen dagaalo ay ku khaarajinayaan.

Ganat: Qiimaha rasaasta in cidda la dilay qoyskooda laga qaadi jiray miyaadan ogayn?

Mingistu: Ma garanayo arintaa, waxaana maqlay sheekadaa markii aan halkan imi, laakiin markii aan arintaa maqlay waxaan had-ba cidii I joogta ama ii timaadda su’aalaa "Arintaa miyaad maqasheen". Sidaa awgeed aniga iska dhaafoo nimankii berigaa xilka hayey dhammaantood hadii sheekadaa la waydiiyo waxaan u malaynayaa inaanay waxba ka ogayn, isla markaana xukun noocaas oo kale ahi ismalihi maamulkayagii wuu ka soo dhex bixi karaa, adiga laftaadu nimankii aad aragtay ama saraakiishii xabsiyada ee aad waraysiga la yeelatay miyaad ku aragtay inay yihiin niman xukun noocaas oo kale ahi ka soo bixi karo, laakiin waxaan kuu sheegayaa nimankii ka tiranaa kooxihii kacaanka may ahayn niman dhiig-yacab ah, isla markaana waxay ahaayeen niman u soo tafaxaytay inay dhawraan xuquuqda dadka iyo dalkaba, sidaa darteed waxay ahaayeen da’dii ugu wanaagsanayd ee Itoobiya. Laakiin markii aan maqlay in la yidhi qoladaasi waxay amreen in qiimaha rasaasta dadka lagu laayo bixiyo aad baan ula yaanay, balse ismalihi cid dembigaa samaysay ayaa nagu dhex-jirtay, mana aha wax dhici kara.

Ganat: Arintaa xubnihii dhergiga ayaa loo haystaa?

Mingistu: Arintaasi waa been mana aha run ah, waayo anagu waxaanu berigaa la dagaalamaynay IHABA iyo Shacbiya.

Ganat: Ma waxaad leedahay in maydka la daadiyo maan ogayn?

Mingistu: Haa way jirtay in maydka la daadin jiray, arintaasina taariikhdii aanu soo dhaafnay dhibic madow ayey noo yeeshay, mana aha wax la dafiri karo ee waxay ahayd wax jira, laakiin maadaama ay iyaguna sidaa yeeli jireen anaguna waanu yeeli jiray, taasina waxay ahayd mid ay cid waliba yeeshay. Tusaale ahaan IHABA-du marka ay cid disho waxay ku dhejin jirtay halku-dhegyo muujinaya mucaaradadooda, ka dibna way tuuri jireen, sidoo kalena dhinacayaga inta sidaas oo kale la yeelo ayaa maydka la tuuri jiray, isla markaana xiligaa waxa socotay waali iyo aargoosasho, waxaanu ku jiray marxalad aad u xun. Waxaana dhacday dhalinyaradii, duqaydii, qabaleegii iyo dadkii oo dhami waxay ku sakhraameen xiisaddii ay IHABA-du abuureen, taasina waxay keentay inay nimanka hal-abuurada ah iyo islaamuhu inay qaadaan heeso ay ku leeyihiin "Ayaa ka cabsanaaya dhimashada", ka dibna inta ay isu soo wada baxeen ayey qaylo-dhaan laga wadhay, waxaana la magacaabay guddi la yidhaahdo guddiga qaylo-dhaanta, isla markaana dumarkii iyo caruurtii magaalada Adis-ababa ayaa meel la isugu ururiyey. Tusaale ahaan waxaan xusuustaa mar ay ii yimaadeen koox ka socota Kongraska Maraykanka oo ay arintaa wax iga waydiiyeen, ka dibna inta aanu fadhi wada yeelanay ayaan ka dhaadhiciyey sida wax yihiin, run ahaantiina xaaladdii aanu ku sugnayn iyo dhibaatadii na haysatay way nooga garaabeen, taas oo ay fahmeen inaanay ahayn wax aanu raali ka nahay in la sameeyo, balse ay tahay arin aanaan awoodi karin inaanu wax ka bedelno. Sidaa darteed kooxdii Kongaraska Maraykanka ka socotay waxaan ku idhi ‘Arintani maalinba maalinta ka dambaysa way ka soo yaraan doontaa, laakiin dhibaatada na haysat bal eega oo fahma", ka dibna markii aan intaa ku idhi ee aan ambabixinayey ayey intii aanu madaarka ku sii soconay arkeen mayd laamiga yaal oo ah qof la dilay...

La soco cadadka dambe

Top


ARRIMAHA BULSHADA

Carraale M. Jaamac

Waayaha Nolosha Iyo Walbahaarka

Toddobbaad kasta maalinta Axadda waxaynu boggan ku soo qaadan doonaa mawduuc ka hadlaya arrimaha bulshada oo aynu kusoo qaadano waxyaabo xiiso badan oo saamaynaya dhinacyada iyo qaybaha kala duwan ee nolosha waayaha bulshada iyo dhacdooyin xiiso leh oo ka turjumaya dufuuraha nolsha ee bulsho.

Qormadan u horaysana waxaynu ku soo qaadanaynaa walbahaarka iyo werwerka:

Nolosha iyo waayaha, ayaa xakameeyay dad badan oo ku nool dunida guudkeeda, waxayna dadkaasi noqdeen kuwo aan ka dabaalan Karin duruufaha dhabta ah ee soo waajaha, inta ay ku gudo jiraan noloshooda, inta badana dadkaasi waxay bilaabaan marka ay ka hor yimadaan marxalad xadiid ku noqda inay ka gudbaan si ay safka hore uga galaan nolosha bulshada ay ku dhex nool yihiin, haseyeeshee marka taasu suurta geliwaydo, waxay la kulmaan werwer iyo walbahaar dhibaato iyo halis ku noqda noloshooda, iyadoo ay sabab u tahay sida qarjajacda ah ee ay doonayaan inay uga gudbaan duruufaha adag ee horyaal oo aan looga dabaalan Karin ilaa si cilmiyaysan looga gudbo. Dadka noocaas ahi waxay ku nool yihiin nolol murugo ah oo aan raaxo lahayn, waana kuwo bulsho kasta laga helayo, aadamaha noocan ahi waa kuwa naftooda ku mashquuliyey waxyaabo aanay waxba ka qaban Karin oo aanay baddeli Karin. Waxaa hubaal ah dadka noocaas ahi inay naftooda u maleegaan shirqool ay ku haligayaan, iyagoo isku qanciyay inay quus ka yihiin xagga nolosha. Dhakhaatiirta iyo Culimada xagga Caafimaadka ee cilmi nafsiga ayaa xaqiijiyey in 70% dadka noocaas ahi ay naftooda ku fuliyaan ciqaab xun oo dil ah, kuwaasoo isdeldela ama adeegsada farsamooyin kale oo ay ku haligayaan noloshooda. 

Waxa xaqiiqo ah oo aan la dafiri Karin inay dadkaasu markii ay xalili kari waayeen dhaliiladhoodii iyo mushkiladahoodii ee ay ku guuldareysteen inay eersadeen noftooda oo ay ku fuliyaan ciqaab aanay galabsan oo gef ku ah amaanada loo dhiibtay, taasoo aanay jirin diin u oggolaanaysa iyo sharci fasaxaya inay sidaa yeelaan. Si hadaba aynu wax uga oggaano casharada nolosha iyo horumarka qofka aadamaha ah, waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa qaar ka mid ah dadkii ay soo mareen duruufaha noocan oo kale ahi iyo siyaabihii ay uga badbaadeen ee ay guuldarrooyinkooda uga gudbeen, isla markaana uga guulaysteen inay gaadhaan wixii ay higsanayeen, ka dib markii ay qaateen talooyinka loo soo jeediyay. Mr. Elmer Thomas, wuxu ka dhashay qoys saboola oo Mareykan ah, Aabbihii wuxu dhintay isaga oo yar, wuxuna la kulmay cabsi iyo werwer, maxaa yeelay waxaas oo dhan waxa u dheeraa isaga oo ku mashquulay dhererksiisa iyo xayeeshnimadiisa, waayo wuxu ahaa wiil dhuuban oo caato ah, sidee ayuu haddaba Mr. Elmer shan iyo toban (15) jirkiisii uga badbaaday cabsidii iyo werwerkii. Mr. Elmer oo marxaladdan ka warramaya, wuxu yidhi, "Haddii aan hooyaday iga badbaadin waxaan la kulmi lahaa hoog iyo halaag, waxaan ka werweri jiray habeen iyo dharaar xayeeshnimadayda iyo dhererkayga, laakiin hooyaday oo macalimad ka ahayd dugsi ayaa oggaatay, ayuu yidhi xaalkayga ka dibna waxay igu tidhi, ku dadaal waxbarasho iyo sidaad kor ugu qaadi lahayd aqoonstaada, laakiin dhererkaaga iyo xayeeshnimadaada waxba ha ku daalin, maxaa yeelay ma jirto adduunka qof baddeli kara abuuristaada." 

Mr. Elmer Thomas waxa taa u dheerayd isagoo ka dhashay qoys sabool ah, isla markaana aan awood u lahayn inuu iska bixiyo kharashka Jaamacadda. Hase-ahaate si uu uga badbaado guuldarro dhinaca tacliinta sare iyo waxbarashadiisa ah, wuxu isku Hawley jidkii uu u mari lahaa tacliina sare iyo siduu ugu qardo jeexi lahaa ilaa heer Jaamacdeed, wuxuuna soo ugaadhsaday dhawr daayeer waqtigii Jiillaalka, wuxuna ku iibiyey midkiiba $40 (afartan dollar), sidaa ayeyna ugu suurta gashay inuu galo Jaamacadda. Mr. Elmer hooyadii dharka waxay u doortay Shaadh cawlan, waxayna sidaa u yeeshay si aanu uga muuqan uskaga iyo wasakhdu. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Mr. Elmer soo gashaday badlad uu lahaan jirey Aabbihii oo ka weyn iyo kabo ka waaweyn, taasoo ay ku kaliftay kalsooni darro, ka dib markii uu dhexgeli kari waayey ardeydii, haseyeeshee kalsoonidaradaasi waxay keentay inaanu dhex gelin ardayda, balse wax akhriskiisu bato, taasuna waxay u noqotay faa’iiddo weyn oo ka mid ah guushiisa, lkaain waxa taa ka badbaadiyey hooyadii oo mar kasta ku waanin jirtay inuu sameeyo dedaal iyo sidii uu kor ugu qaadi lahaa noloshiisa, balse aanu ku mashquulin naftiisa, maryihiisa, dhererkiisa iyo xayeeshnimadiisa toona. Mr. Elmer waxa iyana kalsooni darrada iyo mugdigii uu ku dhici lahaa ka badbaadiyey isagoo markuu sideed toddobaad ku jirey Jaamacadda galay imtixaan, kaasoo uu ku helay shahaado awood u siinaysa inuu macalin ka noqdo Iskuul ku yaala tuulo, wuxuuna isagoo ka hadlaya markii ugu horreysay ee uu mushaharkiisa dhar ka iibsado yidhi, "Uguma farxeen haddii la I siiyo Malaayiin Doollar, sidaan ugu farxay dharkaa." Mr. Elmer isbeddelka noloshiisa iyo guulihii ugu horreeyay ee uu ku jebiyey walbahaarka uu ka qabay nolosha, waxay ahayd markii hooyadii kula talisay inuu ka qayb galo tartanka qudbadaha guud ee golahaas dawladdaha Hoose oo sannad kasta mar la qabto. Inkasta oo ay Elmer arrintaasi la cuslaatay, sababtoo ah wuxu aha ninkii ka xishoon jiray inuu dadka soo dhex galo ama inuu la hadlo kumanyaal qof...

La soco caddadka dambe...

Top


WAADIGA CIYAARAHA

C.Fataax M. Caydiid

Gunners Oo Old Trafford Ugu Xoog-Sheegatay Man United

Manchester (W. Wararka): Kooxda Arsenal, ayaa ku guulaysatay hirdankii miisaanka culus lahaa ee wareega 5aad ee tartanka Koobka Kooxaha Ingiriiska (FA Cup), kadib markii ay kaga guulaysatay kooxda Manchester United oo ay marti u ahaayeen gurigeeda Old Trafford.

Ciyaartan oo ay daawanayeen dadweyne aad u tiro badan oo gaadhayay 67,209 oo garoonka xaadir ku ahaa iyo malaayiin kale oo telefiishanada ka daawanayay, waxa ay ahayd ciyaar ay xamaasadeedu aad u sareysay, lana filayay in ay labada kooxood la iman doonaan ciyaar aad u qurux badan, iyadoo ay labada kooxood yihiin labada kooxood ee ugu cad-cad kooxaha Ingiriiska iyo Yurub-ba.

Hogaamiyaha kooxda Dagaalyahaniinta (Gunners), ayaa isagu awooday inuu ka fogeeyo khatarta, nasiyana ciyaartoyda Thierry Henry iyo Dennis Bergkamp oo ah ciyaartoydiisa ugu wanaagsan kooxda, taas oo uu haddana ku taagan yahay dariiqii uu mar kale ku hanan lahaa labada tartan ee Horyaalka Kooxaha Ingiriiska (premiership league) iyo Tartanka Koobka Ingiriiska (FA Cup).

Kooxda Arsenal, waxa ay kaga guulaysteen Manchester United 2-0 oo ay u dhalliyeen ciyaartoyda Edu iyo Sylvain Wiltord oo ay kala dhaliyeen laba qaybood ee ciyaarta. Laakiin, ciyaartu waxay ku bilaabtay fursad ay iska lumiyeen kooxda Man United, taas oo uu Ryan Giggs lumiyay fursadaas daqiiqado ka hor intii aanu Edu dhallin goolka ay Arsenal ciyaarta ku furtay. Inkastoo Ryan Giggs uu kubadda helay goolka oo furan, haddana dusha ayuu ka mariyay goolka, waxaanay taasi keentay in Arsenal ciyaarta u jihayso dhinaceeda.

Xamaasadda ciyaarta ayaa iyadu aad u sareysay, ciyaartoyduna waxa ay isticmaalayeen cunuf iyo isku dhac-dhac badan, taas oo keentay in kaadhka huruudda ah ay qaataan Saddex ciyaartoy toddobadii daqiiqadood ee ugu horeeyay ciyaartaasi. Ciyaartoyda Paul Scholes iyo Ruud Van Nistelrooy, ayaa kooxda Man United ka qaatay kaadhka huruudda ah, halka uu kabtanka kooxda Arsenal Patrick Vieira isna ka qaatay kaadhka huruudda ah kooxdiisa, taas oo sababtay in Garsooraha ciyaartaasi J Winter uu u yeedho laba kabtan ee kooxahan ee Patrick Vieira iyo Roy Keane, digniina u jeediyo si ay u yareeyaan khaladaadka iyo cunufka ciyaarta. Balse, taasi umay diidin in kabtan Man United, Keane uu laftiisu kaadhka huruudda ah qaato ciyaarta inteedii dambe, kadib markii uu khalad ku galay ciyaartoyga kooxda Arsenal Roberto Pires.

25-jirka Edu, ayaa kubad xor ah oo uu si toos ah ugu laaday goolka, taas oo garabka kaga dhacday David Beckham, kana leexisay jihadii oo khalkhal gelisay goolwadaha Man United, Barthez oo goolkana gashay, taas oo ka dhigtay ciyaarta 1-0.

Qaybtii dambe ee ciyaarta markii ay socotay 7 daqiiqadood ayay Arsenal muujisay in ay iyadu gacan-sareynta leedahay, kadib markii uu Wiltord u dhalliyay goolkii labaad, waxaana kubadda u soo baasay Edu, Wiltord-na si qurux badan ugu dhammaystiray shabagga goolka kana dhigay ciyaartii laba gool oo ay Arsenal ku hogaaminayso Man United.

Kooxda Manchester United, ayaa iyadu isku dayday in ay ciyaarta dib ugu soo noqoto, iyadoo ciyaartoydeeda aasaasiga ahayd u wada dhammaayeen, balse kooxda Arsenal ayaa iyadu marnaba aan siin wax fursad ah, waxaanay muujiyeen in ay mutaysteen in ay gudbaan oo ay ka mid noqdaan 8 kooxood ee u soo gudbay wareega 8 kooxood (quarterfinal) ee Tartanka koobka Kooxaha Ingiriiska (FA Cup).

Kooxda Arsenal ayaa iyadu xilli-ciyaareedkii sannadkii hore ku guulaysatay in ay wada hantido labada tartan ee Premiership League iyo FA Cup, haatana u eg in ay wadadii oo kale ku jirto xilli-ciyaareedkan, iyadoo hogaanka u haysa kala horeynta tartanka horyaalnimada kooxaha Ingiriiska ee darajada koowaad (Premiership League), maalintii shalay u soo gudubtay wareega 8 kooxood ee isugu soo hadhay tartanka FA Cup ee sannadkan.

Top