Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 270 February 17, 2003

Golaha wakiilada Somaliland

Baaqa Ay Soo Saareen Ilaaliyayaasha Xuquuqda Aadamaha Ee Somaliland iyo Soomaaliya.

B/Gubadle Waxay U Baahantahay Gurmad Deg dega oo dhinac walba leh.

Afar Askari Oo Israa’iliyiin Ah Oo Ku Dhintay

Waxaanu Taageersanahay Gudoomiyaha Suuqa Gobonimo" Bayaan Ganacsatada Suuqa Gobonimo

Usaama bin laden

Wasiirada Arrimaha Dibedda Carabta

Kudbadii Ghanim Al-Najjar

Duruufaha maamul ee degmooyinka iyo xidhiidhka debecsan wasaaradda daakhiliga

Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga

AC Milan Oo Dabayl Dib Ugu Soo Kicisay Si ay U Badbaadiso Dhibic Iyo In Aan Marnaba Lagaga Badin Gurigeeda

Porto oo markii ugu horeysay xilli-ciyaareedka Sannadkan laga badiyay

Barcelona oo 2-0 kaga adkaatay kooxda Espaniol


Golaha wakiilada Somaliland

Hargeysa (Haatuf): Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigiisii shalay dood ka yeeshay xeerar iyo warbixino la soo hordhigay, waxaana qoddobada la soo hordhigay ka mid ah xeerka doorashada mudanayaasha golaha Guurtida iyo dib u eegista qoddobo distoorka ka mid ah iyo weliba arimo kale.

Guddi-hoosaadka golaha wakiilada ee arimaha shuruucda ayaa golaha ka jeediyey warbixin la xidhiidha macluumaad dhinaca sharciga ah oo ay sheegeen inay baadhitaan ku sameeyeen doorashadii dawladaha hoose ka dib, iyaga oo warbixintooda talooyin raaciyey.

Gudoomiyaha guddi-hoosaadka shuruucda, garyaqaan Faysal Xaaji Jaamac ayaa warbixinta guddigiisa madasha ka jeediye, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Xeerarkii aanu dabagalka ku samaynay waxa ka mid ah xeerarkii diiwaangelinta axsaabta iyo kii doorashooyinka", laakiin waxa uu intaa ku daray "Si loo sugo madax banaanida guddiga doorashooyinka Somaliland waxaanu soo jeedinaynaa in habka xilka looga qaadi karo laga dhigo 2/3 cod, sidoo kale si loo ilaaliyo hantida Qaranka waa inay guddiga dhaqaaluhu golaha soo hordhigaan habka loo xakamaynayo maaliyadda dawladda, iyaga oo ka duulaya qoddobad 54aad iyo 55aad ee distoorka."

Sidoo kale waxa gudoomiyaha guddi-hoosaadka shuruucdu doodiisa ku daray "Waa in si xisbiyada curdinka ah loo ilaaliyo loo sameeyo miisaaniyad siman, sidoo kale maadaama ay mudadii guddiga diiwaangelinta axsaabtu dhamaanayso waa inay hawlihii ay hayeen ku wareejiyaa guddiga doorashooyinka."

Guddigani waxa kale oo ay ku taliyeen in degmooyinkii cusbaa ee aanay doorashooyinku ka dhicin ay xaq u leeyihiin gole degaan, laakiin guddigani iyaga oo ka hadlaya distoorka waxay sheegeen inay qabyo ka muuqato, waxayna yidhaahdeen, " Distoorka maadaama ay jiraan qoddobo badan oo u baahan in la iswaafajiyo ama waxa ka dhiman lagu daro waxa waajibku yahay in golayaasha sharci-dejinta wixii dhiman lagala xisaabtami doono, sidaa darteedna ay waajib ku tahay inay hoos u eegaan". Laakiin guddigani iyaga oo ka hadlaya xeerka doorashada mudanayaasha baarlamaanka waxay ku taliyeen in kuraasta baarlamaanka lagu saleeyo tirada dadka, iyaga oo yidhi "Kuraasta golayaasha Qaranka waa in lagu saleeyo tirada guud ee dadka."

Sidoo kale waxa isla shalay golaha wakiilada la soo hordhigay xeerka lagu soo xuli doono mudanayaasha golaha Guurtida oo uu madaxweynuhu soo gudbiyey, laakiin gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee golaha wakiilada, mudana C/qaadir X. Ismaaciil Jirde oo fadhiga shalay gudoominayey ayaa sheegay inay guddi-hoosaadka arimaha shuruucda ee goluhu soo dersi doonaan muddo hal toddobaad ah, ka dibna ay golaha ku soo celin doonaan.

Xeerka qabyada ah ee xulista mudanayaasha guurtidu waxa uu qoddobkiisa koowaad leeyahay "Xubnaha golaha Guurtida waxa soo xulaya guddi qaran oo 7 xubnood, waxaana soo magacaabaya Madaxweynaha, isla markaana xiliga xulista xubnaha golaha Guurtida waxa ku dhawaaqaya Madaxweynaha ka hor dhamaadka mudada golaha hore", laakiin isla qoddobkaa ayaa lagu xusay shuruudaha lagu soo xulista, wuxuuna leeyahay, "Waa inay da’diisu ahaato ugu yaraan 50 jir, dhaqan hufana leeyahay iyo aqoon iyo waayo-aragnimo ku filan." 

Top


Baaqa Ay Soo Saareen Ilaaliyayaasha Xuquuqda Aadamaha Ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Guddoomiyaha ururka Samotalis Maxamed Baaruud Cali Iyo Mrs Dorothy Abbel oo ah haweenay ka socotay hay’adda NOVIP, waxa iyaguna goobjoog ka ahaa ka qaybgalashayaashii shirkaa xuquuqda aadamaha Dr. Al-Najar ayaa soo sheegay in bayaankaas ay soo saareen ururada xuquuqda Aadamaha ee Somaliland iyo Soomaaliya ay soo saareen inuu yahay mid faa’iido u yeelan doona dhawrista xuquuqda aadamaha ee Soomaalida iyo mandaqadaba, isla markaana ay dhiiri galin doonto Ilaaliyayaasha xuquuqda aadamuhu inay hawlahooda sii laban laabaan, oo ay bulshaadu ka mudnaa tixgalin iyo ixtiraam siyaasada ah.

Dr. Qanim waxa kaloo uu sheegay in qodobada bayaankaani uu taabanayo aanay intooda badani saamayn xaaladda dhabta ah ee Somaliland ka jirta, taasoo uu sheegay inay ka duwan tahay xaaladda qalafsan ee ka jirta Soomaaliya waxa kaloo uu Dr. Al-Najar sheegay in dadka Somaliland ay waajib ku tahay inay ilaashadaan haddan oo ay hantaan guusha ay gaadheen tobankii sanadood ee u dambeeyay oo ah wax lagu faani karo, marka loo eego waxyaabaha ku jira hareerahooda.

Mrs Dorothy Abbel oo ka socotay hay’adda NOVIP oo fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa sheegtay inaanay hay’adeedu ahayn mid mashaariicda fulisa, laakiin ay la shaqayso hay’addaha maxaliga ah oo ay caawiso, iyadoo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi "waxa noo mabda’ ah in qofkasta oo bani-aadam ahi uu xaq u leeyahay in laga daryeelo baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha, sida cuntada, caafimaadka waxbarashaada iyo hoyga" haweenaydani waxa kaloo ay sheegtay inay ururada Soomaalida ay kala shaqaynayso arrimaha xuquuqda aadamaha.

Bayaankaas ay soo saareen ururada xuquuqda aadamuhu wuxuu u qornaa sidan:

"Anaga oo ka wakiil ah ururada bulsho ee ku hawlan arrimaha cadaaladda iyo ilaalinta xeerarka, xuquuqda aadamaha ee dumarka, xuquuqda dadka laga tirada badanyahay, xorriyatul qowlka iyo is-abaabulka iyo amuuaraha horumarka, oo ka kala yimid Somaliland, Puntland, iyo Soomaaliya, lehna ujeedo midaysan oo lagu raadinayo wanaajinta mustaqbalka xuquuqda aadamaha ee dhamaan Soomaalida.

Anagoo ku kulanay wada hadal iyo tababar ku saabsan xuquuqda aadamaha oo lagu qabtay Hargeysa, oo ku go’aansanay kordhinta baaxadda iyo saamaynta hawlaha ilaalinta xuquuqda aadamaha islamarkaana xusuusan ragga, dumarka, iyo carruurta rayidka soomaaliyeed ee ku dhintay iska horimaadyo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin ilaaliyaasha xuquuqda aadamaha iyo kuwa kale oo ka qaxay kali talisnimo iyo dagaalo sokeeye, anagoo dhiiri galin ka helnay ilaaliyayaasha xuquuqda aadamaha ee aduunwaynaha ee bulsho weynta adduunka sida ku sugan baaqa ilaaliyayaasha xuquuqda aadama ee ka soo baxay golaha guud ee qaramada midoobay 50 guuradii baaqa caalamiga ee xuquuqda aadamaha ee 1998-kii.

Anagoo ka shidaal qaadanayna taageerada weyn ee wakiilka gaarka ah ee ilaaliyaha xuquuqda aadamaha ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay, mudnaana siinayna hawlgalada khabiirka madaxa banaan ee Soomaaliya iyo Somaliland ee qaramada midoobay kuna waajahan ilaaliyayaasha xuquuqda aadamaha.

Isla markaana xusuusan saxeexii adduunka oo dhan ee balanqaadkii xuquuqda aadamaha ee ay saxeexeen xukuumadda Somaliland, madaxweynaha dawladda ku meel gaadhka ah, madaxda siyaasadda qaarkood iyo boqolaal xubnaha ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland balanqaadkaas oo ahaa "In aan inta karaankayaga ah hubiyo in uu wax dhab ah ku noqdo adduunka oo dhan baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha."

Anagoo tixgalinayna guulaha ilaaliyayaasha xuquuqda aadamaha ee Afrika iyo adduun waynaha oo dhan ee dhisay dimuqraadiyada, xoojinta ku dhaqanka xeerka iyo xalinta khilaafaadka, 

Anagoo go’aansanay inaan loo ogolaan cafis dadkii gaystay dhagaro dagaal iyo dhagaro laga galay aadamaha, oo waliba rumaysan in haddii awood xukun loo ogolaado ay gaysankaraan isla dhagarahaas.

Waxaan go’aansanay:

In aan ku adkaysano halgankayaga ku waajahan xadgudubyada xuquuqda aadamaha oo ay ka mid yihiin dil aan qiil lahayn, jidh-dil cid la iska xidho ama la iska afduubo, 
In aan u hawlgalno helitaanka xuquuqo loo wada simanyahay dhamaan oo aan loo eegin lab iyo dhedig, darajo ama tilmaan bulsho iyo ka soo jeedis degmo, in si buuxda loo ilaaliyo dadka taagta daran sida dumarka iyo dadka laga tirada badanyahay, iyo in aan u hawlgalno nolol wanaagsan iyo deegaan aadaminimo oo haboon.

Waxaanu aqoonsanahay oo aanu taageeraynaa ilaaliyayaasha dumarka ah ee xuquuqda aadamaha ee ku hawlan dardargalinta xuquuqda dumarka, tirtirida dilka dumarka iyo gudniinka fircooniga ah, adeega dumarka la waxyeeleeyo, iyo u ololaynta ka qaybgalka siyaasadeed ee dumarka oo buuxa si loo dhiso xukun dimuqraadi ah oo xeer walba leh.
Waxaanu go’aansanay:

  • In ay si cadaan ah u aqoonsadaan xaqnimada hawlgalka ilaaliyayaasha xuquuqda aadamaha ee ku hawlan ilaalinta fidinta xuquuqda aadamaha.

  • In la sugo xaqa ay u leeyihiin shirar iyo banaanbaxyo, iyo in ay baadhaan xadgudubyada xuquuqda aadamaha diraasadana ka sameeyaan, in ay soo saaraan warbixino, in ay cabashooyin gudbiyaan talooyin bixiyaan, in ay abaabulaan wada hadalo, in ay doontaan oo ay helaan hanti wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba iyo in ayla xidhiidhi karaan bulshoweynta caalamiga ah si xor ah laamaha qaramada midoobay sida ku qeexan baaqa caalamiga ah qaramada midoobay ee ilaaliyayaasha xuquuqda aadamaha.

  • In si cad loogu baaqo inaan lagula dhaqmin aargoosasho la xidhiidha hawlahooda ha ahaato iyadoo la adeegsanayo awooda ciidamada amaanka iyo xeerarka ka soo horjeeda xuquuqda aadamaha.

  • In la hubiyo in ay adeegsan karaan hay’adaha xisaabtanka, warbaahin xor ah, hay’adaha dimuqraadiga ah ee siyaasadeed, iyo cadaalad ku salaysan xeerarka caalamiga ah iyo in la toosiyo lana xeer mariyo wixii xad gudubyo ah ee dhaca.

Waxaan ka codsanaynaa bulshoweynta caalamkaa

  • In ay si haboon ugu hawlgalaan codsiyo dib u soo celinta, dib u dejinta iyo horumarka 

  • In si gaar ah loo caawiyo meelaha ay ka muuqato in heegan loo yahay xuquuqda aadamaha, nabad iyo xukunka wanaagsan iyo meelaha ku hawlan horumar iskood ay isku xilqaameen.

  • In la caawiyo oo la ilaaliyo ilaaliyayaasha khatarta ku sugan oo cadaadis la saaro maamulada ciqaabaya ilaaliyayaasha iyo in kaalmo loo fidiyo si kor loogu qaado tayada ururada iyo in saamayntooda la xoojiyo.

Baaqan waxaa soo saaray ururada hoos ku xusan
Waxaa lagu hor saxeexay khabiirka madaxa banaan ee qaramada midoobay u qaabilosan Soomaaliya iyo Somaliland.

Top


B/Gubadle Waxay U Baahantahay Gurmad Deg dega oo dhinac walba leh.

Deegaanku waa wax aad u muhiima marka dhinac walba laga eego, noloshuna degaan la’aan ma suurto gasho. Waxaana Ilaahay laga baryaa in uu deegaankaaga ka dhigo mid leh horumar iyo barwaaqo, taabata dhamaan noolaha ku dul uuman oo dhan, hadday tahay dad iyo duunyaba.

Haddaba waxaan bal qalinka yara dul dhigayaa oo aan wax ka taataabanayaa deegaanka B/Gubadle, hadday tahay xagga caafimaadka, waxbarashada, nabadgelyada iyo tayada maamul ee meesha ka jirta. Waxaan maalmo ka hor booqasho ku tagay degmada B/Gubadle oo ay iigu dambaysay muddo aad u dheeri markaan halkan (Hargeisa) ka ambabaxay ee aan sii dhex jibaaxay dhul masaafadiisu aad durugsantahay marka aynu km ahaan u eegnana ah ilaa 60km, ayaan waxaan gaadhay barti uu socdaalkaygu ku ekaa. Waxaan markiiba bilaabay daymo ilayn waxaan ahaa nin deeganka in badan ka maqnaaye waxaa markiiba maskaxdayda ku soo dhacday bal inaan eegoo intii aan ka maqnaa waxa degmada u kordhay hadday tahay xagga caafimaadka, waxbarashada ,maamulka horumarka markii aan gaadhigii aan saarnaa ka dagay ayaan gaadhay guri ka mid ah guryaha aanu ku leenahay maagalada si aan iskaga maydho woxoogaa siigo ah oo nagaga soo dhacday wadadii aanu soo marnay oo ahayd meel aad indhahaagu diidayaan waan iska maydhay dabadeed sidii ku talagalkaygu ahaa waxaan u dhaqaaqay magaalada dhinaceeda waxaan la kulmay dadweyne kala gaar oo isugu jiray masuuliyiinta degmada, duqayda degmada iyo badh ka mid ah dhalinyarada oo ay in badan warkayagu kala raagay maanu isku jiil ahayn ama saaxiibo ahayn naga dhaxaysay. Dabadeed dhalinyaradii aanu saaxiibka ahayn ayaanu is raacnay meel wada fadhiisanay, dhalintaasi oo ay ka mid ahaayeen ardayda iskuuladda degmada gaar ahaan dugsiga sare markiiba su’aal ku bilaabay kooxdii ardayda ahayd waxaan waydiiyay bal inay iiga waramaan tayada waxbarashadooda iyo inay heleen macalimiin daboosha rabitaankooda waxbarasho?

Nasiib darrose ardaydaasi waxa isku soo taagtay ama iiga muuqatay murugo waxayna iigu jawaabeen C/raxmaanaw horta idinka waxbarasho iyo macalimiinba idinkamayn dambayn. Haddii aanu anagu iskaga kaa waranana waxaanu ku suganahay arrin aad u fool xun waxaad ogtahay in iskuulka sare ee degmada la dhisay muddo hadda laga joogo 2 sanadood walina rasmi mar qudha looma furin anagu sidaad la socoto waxaanu nahay dufcaddii labaad ee ka qalin jabisa dugsiyada hoose dhexe sidaan u gudubnay inyar mooyee suuqyaduun baanu taaganahay. Mar aan waydiiyay inay wasaaradda waxbarashada u gudbiyeen rabitaankooda waxbarasho, waxay iigu jawaabeen inay ka taagan yihiin quus hadalkoodiina waxay ku soo gabagabayeen hala noo soo gurmado dawlad iyo shiciba.

Sidaas ayaanu ku kala tagnay dabadeed maalintii dambe markii waagii baryay ayaan tagay badhtamaha magaalada suuqa waxaan la kulmay maayarka degmada mr jamaal sh xuseen hure waanu isa salaanay waxaan ku idhi maanta waan kuu baahanahay wuxuu igu yidhi waayahay intuu meel igula balamay waan u tagay dabadeed waanu iswaraysanay anagoo hoosta ku haysta qalin iyo warqad kolbana hadalkiisa hoosta ka xariiqaya. Gudoomiyuhu wuxuu muujiyay walaac fara badan oo dhinac walba leh wuxuu ka hadlay dhinaca waxbarashada, caafimaadka, maamulka abaaro, iyo biyo xumaan haysata degmadda, wado xumo, gaadiid xumo, intaasina runtii waa dhacdo ka jirta meesha qofkii taga uunbaa garanaya baahida meeshaas taala.

Waxaa kale oo maayarku xusay inay hayso ciidan yari isaga oo farta ku fiiqay baahida ciidanka booliska degmada wuxuu yidhi "tirada guud ee ciidanka booliska degmadu waa 19 ciidan ah oo isugu jira dumar iyo rag markaa ciidanku wuu nagu yaryahay".

Haddaba marka dhinac walba laga eego degmada B/Gubadle waxay u baahantahay gurmad dhinac walba leh.

C/Raxmaan Axmed Xuseen (Talaabo)
Hargeysa

Top


Afar Askari Oo Israa’iliyiin Ah Oo Ku Dhintay

Tel Aviv (W.Wararka) - Afar askari oo Israa’iliyiin ah ayaa dhintay, qaar kalena way dhaawacmeen kadib markii weerar gaadmo ah lagu qarxiyay taangi ay wateen oo maraysay degmada Qasa maalintii doraad.

Weerarkan oo ay fuliyeen dagaalyahan ka tirsan garabka miletari ee ururka XAMAAS oo la yidhaahdo Cisu-diin Al-Qasaan, waxa ay sheegeen war ay ka soo saareen dhacdadaasi in dhinacooda ay kaga shahiideen laba mujaahid oo hawlgalkaasi fuliyay. Sida ay sheegeen dad goob-joog ahaa, dabaabadaasi waxa qabsaday qiiq iyo holac, kadib markii ay cuskadeen dhawr gantaal, taas oo keentay in gebi ahaanba ay burburto dabaabadaasi.

Dawladda Isra’il wax war ah kamay soo saarin ilaa iyo hadda weerarkaasi, balse waxa la sheegay in Diyaaradaheeda dagaalku ay bilaabeen weeraro aar-goosi ah oo ay ka fulinayaan goobta weerarkaasi ka dhacay.

Top


Waxaanu Taageersanahay Gudoomiyaha Suuqa Gobonimo" Bayaan Ganacsatada Suuqa Gobonimo

Hargeysa (Haatuf) 43 xubnood oo ka tirsan ganacstada suuqa gobonimo ayaa na soo gaadhsiiyay bayaan ay ku taageerayaan gudoomiyaha suuqa gobonimo Cali Axmed Xuseen oo ay sheegeen in xubno kale ay doonayaan inay bedelaan.

Bayaanka ay xubnahaasi na soo gaadhsiiyeen isaga oo dhamaystiran wuxuu u qornaa sidan:-
"anagoo ah ganacstada degan suuqa Gobonimo waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanu ka warhayn arrinka afar nin oo sheegay in xilkii laga qaaday gudoomiyaha suuqa Gobonimo, iyadoo oonay khusayn xilka dhigida iyo xil u dhiibashada toona, ayaa waxa soo baxay arrimo wax u dhimi kara sumcada suuqa. Iska horimaadna keeni karta, taasoo aanu doonayno in aanu dawladda u so bandhigno maadaama ay dawladdii tahay hogaanka dalka, iyada oo arrimahaasi jiraan waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanu diidanahay xil ka dhigida gudoomiyahayaga waxaanu halkan ka sheegaynaa in aanu ku kalsoonahay gudoomiye Cali Axmed Xuseen una dooranay xilka anagoo u dhan 1996-kii ilaa wakhtigaana uu soo shaqaynayay shaqadiisana ku soo qaatay xilkasnimo, daacadnimo, taasoo uu ku mutaystay in xilka noo sii hayo annaguna ku raacsanahay 100%.
Sidaa awgeed waxaanu madaxda sharafta leh uu waraaqdani ku socoto ka codsanaynaa in gudoomiye Cali Axmed Xuseen xilkiisa loo daayo.

Magacyada ganacstada suuqa gobonimo ee saxeexay bayaankan waxay kala yihiin:-
Xasan Cismaan Qalinle Guri Lambar 65, Cabdi Maxamed Finiin Guri Lam 64, Guuleed Axmed Ibraahim Guri Lam 64, C/Qani Ismaaciil Axmed Guri Lam 188, Cumar Yuusuf Cismaan Guri Lam 111, Fatxiya Xasan Gaboobe Guri Lam 68, Mubaarik Maxamed Faarax Guri Lam 116, Ibraahim Axmed Cumar Guri Lam 116, Shucayb Muuse Cumar 125, C/Wahaab Cismaan Axmed Guri Lam 123, Muuse Aw Axmed Maxamed Guri Lam 86, Ibraahim Abokor Carte Guri Lam 100, Nuur Yuusuf Mooge Guri Lam 69, Jimcaale Haybe Gahayr Guri Lam 57, Aamina Daarood Xasan Guri Lam 30, Canab Yuusuf Maxamed Guri Lam 31, Ismaaciil Maxamed Cabdi Guri Lam 29, Guray Xuseen Cashuur Guri Lam 35, Cawil Dayib Faarax 74, Daa’uud Muuse Nuur Guri Lam 57, C/Laahi Maxamed Cabdi Shiine Guri Lam 133, Yoonis Ducaale Diiriye Guri Lam 50, Mustafe Sheekh Cumar Guri Lam 62, Maxamed Cumar Faras Guri Lam 05, Maxamed Cali Madoobe Guri Lam 45, Xasan Cumar Xaashi Guri Lam 55, Cabdi Barre Jaamac Guri Lam 78, Siidhi Cabdi C/Laahi Guri Lam 79, Maryan Axmed Ibraahim Guri Lam 75, Xaamud Maxamed Cali Guri Lam 65, Axmed Cabdi Iimaan Guri Lam 88, C/Risaaq Axmed Yuusuf Guri Lam 39, Naqwa Xaaji Askar Guri Lam 47, Subeer C/Laahi Yoonis Guri Lam 59, Mustafe Axmed Ibraahim Guri Lam 131, C/Samad Maxamed Axmed Guri Lam 149, Sahra Qalinle Xasan Guri Lam 53, Xaashi Axmed Cabdi Guri Lam O6, Ciise Maxamed Maxamuud Guri Lam 77, Aamina C/Laahi Geedi Guri Lam 141.

Top


Usaama bin laden

Al-jazeera - Hoggaamiyaha ururka Al-qaacida, Usaama Bin Laden ayaa markale ka digay in uu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro Maraykanka iyo xulafadiisa haddii aanay ka waantoobin gar-darrada ay ku hayaan Caalamka islaamka.

Waxa uu sidaa ku sheegay Usaama bin Laden dhambaal uu ku baahiyay bogga uu ururka Al-qaacida ku leeyahay Internet-ka maalintii shalay, waxaanu ku booriyay dadka muslimiinta ah inay ku qancaan inay ka adkaanayaan oo jebinayaan Maraykanka iyo xulafadiisa haddii ay ku adkaystaan mawqif midaysan oo ka horjeeda. Isagoo hadalkiisa sii wata Usama bin Laden, waxa uu cambaareeyay Madaxda qaar ka tirsan dalalka islaamka oo ku eedeeyay inay taageerayaan Maraykanka, waxaanu carabaabay dalalka Masar, Suuriya, Suudaan iyo Iiraan oo uu sheegay inay noqonayaan bartilmaameedka labaad ee ku xiga dalka Ciraaq marka uu Maraykanku weeraro. Waxaanu ku tilmaamay dagaalka uu Maraykanku wado mid ay ka dambayso ujeedo diineed oo dabada ka riixayaan Saliibiyiintu, waxaanu ku cel-celiyay inuu sii wadayo halgankiisa iyo dagaalka uu kula jiro Maraykanka.

Usaama bin Laden wuxuu si gaar ah uga hadlay weerarka uu Maraykanku la maagan yahay Ciraaq oo uu ku tilmaamay mid ay ka dambayso khiyaamo lagu khaldayo dalalka islaamka oo kolba dal si gaar ah loola baxayo. Isagoo arrintaa ka sii hadlaya waxa uu yidhi; "Ololaha ay wadaan masiixiyiintu waxa uu geyaysiinayaa dalalka Khaliijka inay ku dhacaan gacanta Maraykanka ee khiyaamada ah, si loo qaybqaybiyo dalalka islaamka, weerarka Ciraaqna wuxuu hordhac u yahay qorshaha ah in la dhiso dawlad weyn oo Isra’il leedahay oo ay xuduudaheedu gaadhaan dalalka Ciraaq, Suuriya, Masar, Lubnaan, Urdun ilaa dhulka Sucuudiga, taasina waa qorshaha Sahnuuniyadda."

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in weeraradii ka dhacay Maraykanka 11 September 2001, ay ahaayeen kuwo lagu burburinayay sanamyada Maraykanka, laguna wiiqayay dhaqaalaha iyo awoodiisaba.

Ugu dambayn wuxuu Usaama bin Laden si weyn cambaarayn dusha uga tuuray Madaxda dalalka Carabta, gaar ahaana Khaliijka oo uu ku tilmaamay kuwo daba-dhilif u ah Maraykanka, isagoo raaciyay Madaxweynaha Afqaanistaan, Madaxweynaha Maraykankana wuxuu ku tilmaamay Fircoonkii Casriga.

Top


Wasiirada Arrimaha Dibedda Carabta

Qaahira (W.Wararka) - Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Carabta ayuu shir deg-deg ahi uga bilaabmay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, iyagoo ka wada-hadlaya xaaladda dalk Ciraaq iyo mawqifka ay dalalka Carabtu ka qaadanayaan arrintaas. Wasiirada arrimaha Dibeddu mudada uu shirku u socdo waxa ay isla eegi doonaan go’aanka ay dalalka Carabtu kaga hortegayaan weerar uu Maraykanku ku qaado Ciraaq, iyagoo doonaya inay arrintaasi iska taagaan meel cad kahor intaan dagaal dhicin.

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Camar Muuse oo ka hadlayay shirkan ayaa ku tilmaamay mid ay dalalka Carabtu iskula gorfaynayaan xaaladda guud ee ka taagan guud ahaanba Caalamka Carabta, gaar ahaana dalka Ciraaq, waxaanu sheegay inay lagama maarmaan tahay mawqif midaysan oo ay dalalka Carabtu ka qaataan xaaladdan iyo marxaladda guud ee la marayaba. Wasiirada arrimaha dibedda ee Carabta waxa isaguna shirka kala soo qaybgalay Wasiirka arrimaha dibedda ee Ciraaq, Naaji Sabri oo ku tilmaamay shirkan ay dalalka carabtu kaga hortegayaan weerar lagu qaado dalkiisa.

Naaji Sabri wuxuu si weyn u soo dhoweeyay mawqifka shucuubta caalamku ay ku diidan yihiin weerar lagu qaado dalkiisa, iyagoo muujinaya cadhada ay u qabaan Maraykanka, taas oo ay ku muujiyeen mudaharaado waaweyn oo ka dhacay guud ahaanba daafaha dunida.

Muddada uu shirku u socdo wasiirada arrimaha dibedda waxa la filayaa inay kasoo saaraan mawqif iyo bayaan cad oo ay ku muujinayaan sida ay u diidan yihiin weerar lagu qaado dalka Ciraaq.

Top


Kudbadii Ghanim Al-Najjar

Hargeysa (Haatuf): Prof Qaanim Al-Najaar oo ah Khabiir u ololeeya ilaalinta Xuquuqda Aadamaha oo dhawrkii cisho ee u dambeeyay socdaal ku joogay Somaliland, kana qayb-galay shir-hawleed xuquuqda aadamaha oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa shalay khudbad uu kaga hadlay xuquuqda aadamaha ka jeediyay Madasha fadhiga Golaha Wakiillada, wuxuuna Prof Qaanim ka waramay dambiyadii xuquuqda aadamaha ee ka dhacay dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Prof Qaanim, waxa uu khudbadiisa ku sheegay inuu sii wadi doono halganka uu ugu jiro ilaalinta xuquuqda aadamaha, isaga oo sheegay inuu ka hawl-gali doono baadhitaanada falalkii ku lidka ahaa xuquuqda aadamaha ee ka dhacay dhulkii Soomaaliya, isla markaana wuxuu xusay in ay jiraan maxkamado dunida ah oo wakhtigan xaadirka ah diyaar u ah in ay dhegaystaan dacwadaha ku lidka ah xuquuqda aadamaha.

Prof Qaanim, waxa uu khudbadiisa ku bilaabay; "Iyada oo aanay iga ahayn mid aan idinku raali gelinayo, ama wax idinkaga doonayo, waxaan jeclahay in aan idiin sheego in waxa dalkiina ka dhacay ay yihiin wax cajiib ah oo maskaxda iyo indhahaba soo jiidanaya, taas waxaana idiin leeyahay aniga oo aan ahayn nin siyaasi, waayo siyaasiyiintu marka ay arrin wax ka sheegayaan waxay xeeriyaan ujeedooyinka ay leeyihiin, balse aniga waxa i khuseeya oo keliya wixii aan indhahayga ku arkay in aan ku go’aan qaato. Run ahaantii, waxa idiin qabsoomay tan iyo 1991-kii waa wax dhaxal-gal ah oo loo baahan yahay in aad ku faantaan, waxaana ii sharaf ah in aan maanta idin dhex joogo, iyadoo ay booqashadaydii tan ka horeysay ee aan Somaliland ku imaado ay ahayd bishii September 2002, waxaanan xilligaa Madaxweynaha dalkiina ku idhi; ‘Kama dhacdo caadatan Mandaqaddan ama Afrika ama Dunida Saddexaadba in si qunyar ah Madaxtinimada loola kala wareego, laakiin idinku waxaad samayseen wax layaab ah oo aad waa cusub u horseedeen Mandaqaddan, marka la eego sidii aad hogaanka dawladeed ula kala wareegteen, idinka oo aan garab-marin hannaankii distooriga ahaa ee idiin yaallay,’ waxaana dhacda Madax iyagoo nool kursiga isku qabsada oo is laaya, laakiin marka uu hogaamiye talada hayay dhintana hadalkeedaba daa. Waxaanan idin leeyahay wax wanaagsan baad samaysateen ee ilaalashada."

Prof Qaanim, intaa kadib wuxuu u baydhay dhinaca Xuquuqda Aadamaha, wuxuuna yidhi, "Aniga maadaama ay hawshaydu tahay mid la xidhiidha dhawrista xuquuqda aadamaha, waxaan odhan karaa dalkiina wax badan baa arrintaa uga qabsoomay, taas macnaheedu ma aha in aan waxba idinka dhinayn ee mashaakil wuu jiraa, waana jiri doonnaa, laakiin dariiqii toosnaa waad haysaan. Ma odhanayo Somaliland, waa janno ifka ku taalla, laakiin marka la idin barbar-dhigo Muqdisho oo marka aan tago lana garab-geliyo Guutan dhan oo ciidan ah iyo Tikniko, waxa aad tihiin kaaf iyo kala dheeri. Markii iigu dambaysay ee aan Xamar tago, waxay ahayd 2002, waxaana nalagu ilaalinayay inkastoo aanaan dalban 7 Tikniko ah oo dhinacyada, ka hore iyo xaga damba-ba nalaga dhigay. Sidoo kale, sannadkii 1998-kii waxaan imid Somaliland oo aanu dadku hubaysnayn oo uu qof waliba oo si caadi ah u raadsanayo baahiyihiisa nololeed. Saddex sanno kadib, ayaa Baydhabo tagey aniga oo markaa noqday Khabiirka Madaxbannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka, waxaanan Baydhabo ku arkay carruurtii oo qoryo sidata, marka aad arrintaa masuuliyiinta kala hadashana, waxaad marka labaad ee aad ku soo noqoto meeshii ugu imanaysaa nin kale oo haysta."

Prof Qaanim, isaga oo ka hadlaya ujeedadii uu u yimid Somaliland, wuxuu yidhi; "Waxaan doorkan u imid dalkiina Somaliland, si aan uga qayb-qaato shir-hawleed ku saabsan ilaaliyaasha xuquuqda aadamaha ee ka hawl-gala Somaliland iyo Soomaaliya, shirkan oo ku qabsoomay magaalada Hargeysa ee barkaysan, waxa laga soo saaray baaq lagu dhiiri-gelinayo dadka difaaca Xuquuqda Aadamaha, waxaanan idinka codsanayaa maadaama aad tihiin Mudanayaashii sharci-dejinta in aad bayaankaa tixgelin siisaan, soona dhawaysaan. Waayo, Xuquuqda Aadamuhu waa arrin inna wada khusaysa oo loo wada baahan yahay, siyaasadduna way guurtaa ama isbedeshaa, laakiin dhawrista xuquuqda aadamuhu waa arrin ma guurto ah. Ahmiyadda kale ee uu shirkani leeyahay waxa weeyi, iyadoo ay ilaaliyaasha xuquuqda aadamaha ee Soomaalidu isku raaceen in la dhiso guddi baadhitaan ku sameeya xad-gudubyadii ka dhacay dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya (Somaliland iyo Soomaaliya). Angiu shakhsiyan arrintaa waxaan u arkaa mid muhiim ah, aad bayna iigu fog tahay, kana hadhi maayo halgankayga ah sidii wax looga qaban lahaa xad-gudubyadii dhacay ee lidka ku ahaa xuquuqda aadamaha. Waxa jirtay in aan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka, arrintan hore ugala xidhiidhay sidii wax looga qaban lahaa, loona xaqsiin lahaa dadkii waxyeelada loo geystay, isla markaana cadaaladda loo marin lahaa kuwa ay ku cadaato in ay dambiyo geysteen, waxaase hadda noo muuqatay in ay jiraan meelo kale oo dhega-nugul Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka, meelahaas oo arrintan wax lagaga qaban karo, waxa ka mid ah; Maxkamadaha dalka Belgium-ka oo awood u yeeshay, dawladooduna raali kaga tahay in ay dhegaystaan, go’aanna ka gaadhaan dacwadaha ay soo gudbiyaan dhibanayaasha loo geystay falalka ku lidka ah Xuquuqda Aadamaha, iyadoo ay toddobaadkan horaantiisii ay Maxkamad Belgium ahi, Ra’iisal-Wasaaraha Israa’iil Ariel Sharon ku eedaysay inuu sannadkii 1982-kii Lubnaan ku xasuuqay dad Falastiiniyiin ah. Hase yeeshe, Maxkamaddaasi fulinta go’aankeeda ku saabsan Ariel Sharon, waxay dib ugu dhigtay ilaa inta uu xilka degayo Ariel Sharon. Hawl-wadeenada Xuquuqda Aadamaha, waxaanu isla garanay in ay baadhitaano sameeyaan, isla markaana ay kiisas ka diyaariyaan xad-gudubyadii ka dhacay dalkii hore loo odhan jiray Soomaaliya, si loogu gudbiyo Maxkamadaha Belgium-ka, waxaanan qabaa in ay wadadaasi ka dhib yar tahay Hay’adaha Jimciyadda Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka."

Top


Duruufaha maamul ee degmooyinka iyo xidhiidhka debecsan wasaaradda daakhiliga

Hargeysa (Haatuf): Waqtigan xaadirka ah waxa degaamo badan ka dhaca muran dhinaca jograafiga ah oo u dhexeeya degmooyinkii cusbaa ee la magacaabay dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey iyo degmooyinkii hore u jiri jiray ee ay degmooyinkaasi ka dheegmeen degmooyinkan cusubi, waxayna arintaasi xataa saamayn ku yeelatay ururinta cashuuraha, taas oo ay degmooyinkaasi isku qaybsadaan meelaha qaarkood, iyadoo ay qolo waliba dhinaceeda leedahay anaga ayaa tuulo hebla ama meel hebla xukunna, sidaa darteed-na cashuurayna, sidoo kale waxa iyaguna iska jira dhibaatooyin maamul oo ka dhex-dhaca maamulayaasha hal degmo gudahood, laakiin arintaasi waxay ka mid tahay dhibaatooyin badan oo ka jira degmooyinka dalka, waxaana ka mid ah duruufaha ka jira degmooyinka dalka xidhiidhka u dhexeeya maamulada degmooyinka iyo wasaaradda arimaha gudaha oo aad u hooseeya.

Arimahaasi waa kuwo guud ahaan ka taagan degmooynka dalka Somaliland, laakiin weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa warbixin gaar ah nooga diyaariyey saamaynta ay arimahaasi ku leeyihiin degaamada galbeedka ee aan caasimadaba ka fogayn, waana tan warbixintii:

"Waxa marar badan dhacda iska muran maamul oo ka dhex-oogma laba ama qaybo ka mid ah maamulka dawladda hoose, sida: maayarka iyo xoghayaha dawladda hoose ama maayarka iyo maayar-xigeenka ama laba masuul oo kale, waxaana ka mid ah arimaha muranka keena ku tagrifalka awoodaha maamul ee degmooyinka, sida isticmaalka kharashaadka iyo fulinta go’aamada maamulka. Sidoo kale waxa muranka dhinaca maamulka ka qayb qaata dhibaatooyinka dhinaca dhulka. Tusaale ahaan waxaad arkaysaa kooxo shaqaalaha dawladda hoose ah oo ka cabanaya madaxda ka sareeya, waxaana ka mid ah waxyaalaha ay ka cabanayaan tacadi shaqo ama xuquuqeed oo loo geysto, iyadoo ay waxyaalaha farta lagu fiiqo ka mid yihiin...si qaldan ugu tagri falay inta badan maamuladii degmada Gebilay isaga dambeeyey tan iyo markii lagu dhawaaqay madax banaanida Somaliland sannadkii 1991-kii, laakiin mushkiladda caynkaas ah waqtigan xaadirka ah way adag tahay wax ka qabashadeedu.

Degmooyinka yar yar ee "D" ah sida Allaybadday iyo Faraweyne ayey marka hore maamuladoodu u muuqdaan kuwo itaal darran, mar labaadna waxa ka dhex-oogaan khilaafaad dhinaca xuduudaha ah, taas oo ay mid waliba dhinaceeda ugu doodayso ama u jiidanayso degaamo ay leedahay anigaa xukuma, laakiin sababta muranka keenaysaa waxay tahay, iyadoo aanay jirin xuduudo loo kala cayimay. Tusaale ahaan mid ka mid ah wiilasha cashuuro-qaadayaasha degmada Allaybadday ayaa ii sheegay in maalin maalmaha ka mid ah, isaga oo cashuuro ka ururinaya meel tuulo ay madaxda degmada Faraweyne dhegta ku dhufteen, ka dibna xabsiga u taxaabeen iyaga oo ku haysta inuu ku soo xad-gudbay degaamadooda. "Maalin walba sidaas ayaanu isugu haysanaa anaga (Allaybadday) iyo Faraweyne cashuuro ururinta "ayuu yidhi wiilkaasi, waxayna dad badan oo kale ii sheegeen inuu muranka caynkaas ahi had iyo goor soo noq-noqdo, taasina ay aakhirka keeni karto isku dhac weyn.

Wasaaradda arimaha gudaha oo ah wasaaradda qaabilsan xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka, isla markaana ah hay’adda keliya ee wada shaqaynta tooska ah la leh maamulada degmooyinka iyo gobolada ama hadii si kale loo yidhaahdo waa wasaaradda xukunta maamulada gobolada iyo degmooyinka, laakiin waxaad moodaa inaanu shishlayn ama xooganayn xidhiidhka shaqo ee ay xarunta wasaaradda daakhiligu la leedahay maamulada degmooyinka, hadii ay daba gal shaqo ama kormeero tahay iyo hadii wax qabasho mashaakilaadka soo ifbaxa tahayba, taasina waxay keentaa waxyaalo badan oo murga. 

Talaabooyinka ugu badan ee ay wasaaradda daakhiligu ka qaado dhinaca degmooyinka waxa ka mid ah xil-ka qaadista madaxda sare sida, Maayarka ama maayar-xigeenka, taasina inta badan wax la taaban karo kama bedesho xaaladda, iyadoo marka laga hadlayo ama talaabo laga qaadayo dhibaatooyinka maamul ee degmooyinka farta lagu fiiqo maayarka ama maayar-xigeenka ama hadii hoos loo dego xoghayaha fulinta, laakiin waxay dad badani aaminsan yihiin, gaar ahaan degmada Gebilay inay dhibaatada ugu badani taal Xafiisyada hoose. Sidaa darteed waxay dad badani qabaan inay mar walba meesha ka maqan tahay kormeeridii, xog-ogaal u noqoshadii xaaladd degmooyinka iyo weliba marka loo baahdo talaabooyinkii ay qaadi lahayd wasaaradda daakhiligu.

Sida la ogyahay maayarada degmooyinka waxa soo magacaabi jirtay wasaaradda daakhiliga, laakiin hadda waxa kuraasta ku fadhiistay ama ku fadhiisanaya maayaro ku yimi doorasho, sidaa darteed waxay su’aasha meesha taal tahay wax ma iska bedeli doonaan xidhiidhka maamulada degaanka iyo wasaaradda daakhiliga, isla markaana wasaaradda daakhiligu mustaqbalka wax talaabo ah ma qaadi doontaa duruufaha ka jira degmooyinka qaarkood ee u baahan in talaabo maamul laga qaado."

Top


Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga

Mingistu: Tusaale ahaan dadweynuhu si ay kacaanka u ilaaliyaan waxay magaalo kasta iyo Tuulo kastaaba samaysatay guddiyo loo xil-saaray ilaalinta iyo ka qayb-qaadashada dhaqdhaqaaqa kacaanka, laakiin IHABA-duna sidoo kale waxay dhinacooda waxay meelaha qaarkood isu soo ururiyeen dhalinyarada dibjirka ah, waxayna ku yidhaahdeen "Kaalaya lacag baanu idin siinaynaaye", ka dibna inta ay ku yidhaahdeen toddobaadkiiba intaas oo lacag ah ayaanu idin siinaynaa ayey qoryo ku taxeen, markaa dhalinyaro dibjir ah oo lacag iyo qoryo la siiyey maxaad ka filaysaa ?, waxaan filayaa waxa ay samaynayaan inay iska caddahay.

Ganat: Markaa ma magaalooyinkii ay qabaleegu (Ururada xaafadaha) ka jireen ayaa falalkaa ka dambeeyey?

Mingistu: Haa, iyagaa ka dambeeyey.

Ganat: Markaa idinku wixii la samayn jiray maydaan ogayn miyaa?

Mingistu: Anigu maan heli karayn inta badan fursad aan magaalada ku soo dhex-wareego, laakiin waxa jiray nin arintaa gacan weyn ka geystay wax ka qabashadeeda, balse waan ka xumahay ninkaasi maanta ifka kuma noola oo wuu dhintay, wuxuuna ahaa taliyihii nabad-sugidda ee dhergiga, Taka Tulu.

Taka Tulu waxa uu had iyo goor ku soo dhex-wareegi jiray magaalada gudaheeda, halkaas oo uu soo kormeer ku soo samayn jiray suuqyada iyo xaafadaha magaalada, ka dibna marka aanu shirarka golaha dhergiga leenahay ayuu inta uu shirka iska dhextaago ayuu odhan jiray "Waaryadhaheen arintu waa sidee, waa maxay waxan la laynayaa, ta kale maadaama aynu cidii kacaanka ka soo horjeeda go’aansanay inaynu ka soo horjeesano, laakiin yaan la layn, waxaynu qabaleey walba siinay hub isku difaacaan, laakiin waqtigan xaadirka waxa la samaynayaa waa wax fool-xun, waayo waxa la samaynayaa aargoosasho iyo falal fool-xun, tusaale ahaan si ninka gaadhigiisa loo dhaco, isla markaana xaaskiisa looga xoogo waa la dilayaa, sidoo kale si dayrka jagadiisa loogu durko waa la dilayaa, wuxuuna waqtigu saamaxay in cidkasta oo cid colaad u haysay inta ay kacdo ay waxa ay doonto samaynayso, sidaa darteed mar hadii ay arintu sidaa tahay muxuu tarayaa kacaanka aynu kobcinayno, maxaynuse maamulkii hore ee xayle Salaase kaga duwan nahay, maxayse tahay ama taraysaa hawsha aynu wadnaa", dabadeedna Taka Tulu isaga oo cadhaysan marka uu intaa yidhaahdo ayuu hadana tilmaamo ka bixiyaa arimaha dhacaya ama falalka foosha xun ee la samaynayo, isaga oo odhanaya "Arimaha noocaas ah ayaa la wadaa", ka dibna waxa uu soo bandhigi jiray cadaymahoodii, laakiin Taka Tulu waxa uu ahaa boolis, isla markaana waxa uu ahaa taliyaha nabad-sugidda, ka dibna waxa uu warbixinaha caynkaas ah ka soo ururin jiray Xafiisyada booliska iyo nabad-sugidda, halkaas ayuuna xogta ka soo ogaan jiray. Dabadeedna markaa ka dib ayaanu gebigoodaba isugu yeedhnay ururadii oo dhan, hadii ay MA"ISO iyo hadii ay tahay ururadii kaleba, ka dibna waxaanu ku nidhi "Wager waar xadkii ayaad ka gudubteen ee waa maxay waxani", laakiin IHABA-du gooni si qaawan ayey gooni isugu taagtay, waxayna IHABA-du ugu dambayntii qaawanida cidlada isugu taagtay ee loogu wacad-furay ama goonida loogu saaray waxay ahayd wixii ay geysatay ee xumaa.

Markii isugu yeedhnay ururadii oo dhan waxaanu ugu horayn isku canaanaynay oo aanu is nidhi "Waa maxay waxan aad wadaan, waa in arintan la joojiyaa", ka dibna waxaanu soo saaray go’aan odhanaya "Laga bilaabo iminka qofka uu doono ha ahaadee qofkasta oo gacanta ku dhiga qof dembiile ah waa inuu booliska u soo gacan geliyo, isla markaana inuu qofkii dembiile ah ee la qabto in booliska loo dhiibo mooyaane qofna wax talaabo ah kama qaadi karo", Laakiin go’aankaa waxaanu markiiba raacinay oo aanu soo saarnay sharci dib-uhabayn ah, kaas oo aanu wax ka bedelay sharcigii qabaleega, wuxuuna sharcigaa cusubi odhanayey "Iminka laga bilaabo qabaleegu ma jiro qof uu xukumi karo iyo cid uu go’aan ka gaadhi karo toona, laakiin qabaleegu waxay awood u leeyihiin in marka qabtaan qof dembiile ah xataa hadii ay markaa u hayaan cadayn buuxda ama qofka gacanta ku dhigaan isaga fal-dembiyeed faraha kula jira keliya waxay u gud-bin karaan booliska, balse wax kale oo talaabo ama go’aan ah kama gaadhi karaan". Hase yeeshee maxkamaduhu maadaama aanay waqti u helayn dembiyada yar yar, waxaanu qabaleega awood u siinay inay muddo waxoogaa ah oo ilaa bilo aan badnayn gaadhaya xidhi karaan qofka ay dembi ku qabtaan...

La soco cadadka dambe...

Top


AC Milan Oo Dabayl Dib Ugu Soo Kicisay Si ay U Badbaadiso Dhibic Iyo In Aan Marnaba Lagaga Badin Gurigeeda

Rome, Feb 16 (AFP): Kooxda AC Milan ayaa dib ugu soo dagaalantay laba gool oo lagu lahaa nasashadii ciyaarta, kuna barbaraysay 2-2 kooxda Lazio, ciyaartii ugu weynay Serie A toddobaadkan oo ka dhacday Garoon San Siro xalay.

Ciyaartoyga u dhashay Yugoslav ee Dejan Stankoric oo dedaal uu ku dhaliyay gool iyo gool benalti uu laaday Claudio Lopez ayay si raaxo leh kooxda Lazio ku hogaaminaysay ilaa nasashadii ciyaarta. Laakiin laba gool oo dhashay 8-dii daqiiqadood ee ugu dambeeyay qaybtii dambe ee ciyaarta oo ay kala dhaliyeen Filippo Inzaghi iyo Rivaldo ayaa u badbaadiyay kooxda AC Milan dhibic iyo rikoodhka aan marnaba laga badin gurigeeda.

Barbardhacaasi waxa uu AC Milan ka dhigay dhibcaheedii 43 dhicood oo ay ka horeeyaa laba dhibcood labada kooxood ee hogaanka u haya kala horeynta kooxaha Serie A oo ah Inter iyo Juventus, halka ay Lazio kaalinta afraad ku jirto oo ay lix dhibcood ka hooseyso kooxda hogaanka haysa.

Ciyaartoyga u dhashay Ukraine, Andriy Shevchenko ayaa sheegay in Milan muujiyeen in ay hayaan karti ay ugu dagaalami karaan horyaalnimada, kadib qaybtii labaad ee ay ciyaarta ku barbaraysay.

"Kooxdu waxa ay muujiyeen heerkooda aadka u sareeya, laakiin ugu dambayntii nasiib ku maanaan lahayn in aan badino," ayuu yidhi Shevchenko.

Darbad uu ku laaday weeraryahanka reer Argentine Lopez, waxa u diiday goolhaya kooxda Milan ee Dida, balse Stankovic ayaa isagu helay kubadda uu soo celiyay goolwaduhu ku riday shabagga goolka Milan. Sagaal daqiiqadood kadib, ayaa goolka labaad ee Lazio dhashay, kadib markii ciyaartoyga difaaca ka ciyaara ee hore uga tirsanaan jiray kooxda Lazio, haddase u ciyaara AC Milan ay kubadd isku qabteen weeraryahan Talyaaniga ah ee Corradi khadka gudihiisa, taas oo u muuqatay mid caadi ah, balse garsooraha caalamiga ah ee Rierluigi Collina oo ahaa garsoorihii ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee koobkii adduunka, ayaa si laba filaan ah ugu tilmaamay in ay tahay khalad, una dhigay kooxda Lazio rigoore, waxaana laaday rigooraha Lopez oo si toos ah badhtan ugu beegay, iyadoo goolwade Dida uu u booday dhinac khaldan.

Kooxda Milan ayaa iyadu qaybtii dambe ee ciyaarta ku bilawday sida tareenka oo kale, layaabse may ahayn in ay gool keenaan daqiiqadii 62aad ee ciyaarta. Inzaghi, ayaa helay kubad uu madaxa la waayay Rivaldo, kuna hubsaday shabagga goolka, iyadoo aanu wax awood ah u helin goolwadaha Lazio Angelo Perruzzi.

Weeraryahanka khatar ah ee u dhashay Talyaaniga, ayaa siddeed daqiiqo dabadeed ayaa dhinaca bidix kala soo galay kubad isaga oo sida duullaya, waxaanu u karoosay weeraryahanka khadka dhexe ka ciyaara ee reer Brazil oo isagu kubad ku laaday gool, ciyaartiina ay barbardhac ku noqotay.

Isla shalay kooxda Juventus ayaa muujisay in ay difaaci karto horyaalnimadeeda kadib markii ay ku dhirbaaxday 2-1 kooxda Parma.

Laba gool oo madaxa ku dhashay oo ay kala dhaliyeen Marco Di Vaio iyo Alesandro Tacchinardi ayaa koox Juventus siiyay in ay laba gool ku hogaanka ugu qabtaan qaybtii hore ee ciyaartaa, ka hor intii aanu weeraryahanka kooxda Parma Adrian Mutu u dhalin gool ay dhashatay Parma.
Gool-dhaliyaha Di Vaio, oo markii hore u ciyaari jiray Kooxda Parma, ayaa sheegay inuu rajaynayo in ay taageerayaasha u noqoto rajo wanaagsan, kuwaas oo aad uga xumaaday natiijadii kooxda Xulka Talyaaniga.

"Aad baan uga xumaaday in aan maqlo foodhi badan oo ka soo yeedhay taageerayaasha Parma oo aniga igu foodhyayay markii ay ciyaartu dhamaatay," ayuu yidhi Di Vaio.

"Ma fahmi karo ujeedada. Si kastaba ha ahaatee, aad baan u faraxsanay in aan dhaliyo gool, kuna guulaysano Saddex dhibcood," ayuu raaciyay Di Vaio.

Dhinaca kale, ciyaarihii toddobaad ee tartanka kooxaha Talyaaniga ee Serie A, waxay ay u dhaceen sidan:

Udinese 0-0Atalanta
Kooxaha Udinese iyo Atalanta ayaan wax goolal ah dhalin ciyaartii shalay ay wada ciyaareen, waxaanay ciyaartii ku dhammaatay barbardhac ay isku mari waayeen labada kooxood 0-0.

Perugia 1-1Empoli
Goolka Perugia waxa ciyaartoyga Zisis Vryzas, daqiiqadii 5aad, halka uu goolka kooxda Empoli uu u saxeexay ciyaartoyga Marco Carparelli daqiiqadii 6aad. 

Bologna 1- 3 Piacenza
Kooxda Piacenza ayaa Saddex gool oo ay u kala dhaliyeen Dario Hubner daqiiqadii 18aad, Enzo Maresca daqiiqadii 39aad iyo Ciro De Cesare daqiiqadii 61aad kaga badisay kooxda Bologna oo iyadu gool keliya oo uu dhaliyay Claudio Bellucci, daqiiqadii 83aad dhashatay.

Como 1- 4 Reggina
Reggina ayaa 4-1kaga badisay kooxda Como, waxaana goolasha Reggina kala dhaliyay Francesco Cozza oo laba gool dhaliyay daqiiqadihii 31 iyo 36aad, Aimo Diana daqiiqadii 80aad iyo Santos Batista Mozart oo daqiiqadi 90aad dhaliyay, halka goolka Como uu dhaliyay Nicola Caccia daqiiqadii 10aad.

Modena 1- 1 Torino
Kooxaha Modena iyo Torino ayaa iyagu 1-1 barbardhac ku noqday, waxaana u dhaliyay goolka kooxda Modena Omar Milanetto daqiiqadii 60aad, halka uu Simone Vargassola u dhaliyay goolka kooxdiisa Torino daqiiqadii 63aad.

Top


Porto oo markii ugu horeysay xilli-ciyaareedka Sannadkan laga badiyay

Lisbon (Reuters): Ciyaartoyga dhalashadiisu tahay Brazil ee ka ciyaara khadka dhexe Deco Souza, ayaa laga saaray ciyaarta, taas oo sababtay in hogaanka horyaalka kooxaha Boortaqiiska Porto lagaga badiyo ciyaartii ugu horeysay eew xilliciyaareedka sannadkan 2-1 oo ay kooxda kaalmaha dhexe kaga jirta kala horeynta kooxaha Bortaqiiska ee Maritimo kaga badisay maalintii Sabtidii.

Deco, oo dhawaan helay ogolaanshaha dhalashada Boortaqiiska iyo ciyaartoyga reer Brazil ee khadka difaaca uga ciyaara Maritimo, ayaa labadoodaba laga saaray ciyaartaas, kadib markii ay isku xanaaqeen, garsooruhuna siiyay kaadhka cas ee ciyaarta laga saaray daqiiqadii 51aad ee ciyaartaasi.

Ciyaartan oo laga badiyay kooxda Porto, haddana waxay weli ku hogaaminaysaa kooxaha Boortaqiiska 13 dhibcood oo ay ka horeyso kooxda Benfica oo iyadu ciyaar la leh kooxda Nacional Madeira.

Kooxdan Porto, lagama badin 29 ciyaarood oo ay ciyaartay tan iyo badhtamihii xilli-ciyaareedkii sannadkii hore.

Maritimo, ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 16aad ee ciyaarta, kadib markii difaacyahanka Datch-ka ah ee Mitchell der Gaag uu dhaliyay gool uu madaxa ku Dhuftay kubad uu ka helay khadka 18aad dhexdiisa. Laakiin Porto, ayaa daqiiqadii 67aad keentay goolkii barbardhaca kubad uu madax ku dhaliyay weeraryahanka reer Brazil, Derlei Silva. Goolkaas oo kor u qaaday macnawiyada taageerayaasha Porto, una haweystay in ay kooxdoodu kala daba iman doonto oo ay ku guulaysan doonaan ciyaartaa, taas oo hore u dhacay sagaal ciyaarood oo xilli-ciyaareedka sannadkan ay kuk guulaysatay iyadoo gacan sareynta hore laga lahaa, haddan ay markii dambe iyadu ciyaarta ku badisay. Laakiin weeraryahanka Brazil u dhashay ee Kooxda Maritimo, ayaa taa wax ka bedelay oo beeniyay riyada taageerayaasha Porto, kadib markii uu dhaliyay goolkii ay kooxdiisu ku badisay daqiiqadii 70aad ee ciyaartaasi.

Xilli-ciyaareedkan kooxaha Boortaqiiska oo ay ka hadheen 12 ciyaarood kooxdiiba, waxa ay kooxda Porto ku hogaaminaysaa kooxaha 57 dhibcood, halka ay kooxda Benfica ay kaalinta labaad ku jirto oo ay 44 dhibcood haysato, iyadoo ay kooxda Sporting leedahay 41 dhibcood oo ay kaalinta saddexaad ku jirto.

Top


Barcelona oo 2-0 kaga adkaatay kooxda Espaniol

Kooxda Barcelona ayaa markii u horeysay lix ciyaarood ku guulaysatay ciyaar ay la ciyaartay kooxda ay jaarka yihiin ee Espaniol oo ay kaga badisay 2-0 ciyaar ay kuwada ciyaareen sabtidii garoonka Nau Camp oo ay daawanayeen 45, 000 oo taageere. Ciyaartan oo ahayd furitaankii toddobaadkii 22aad ee tartanka kooxaha Isbaanishka (Spain La Liga).

Kooxda Barcelona, waxa guul ugu dambaysay bishii January 5-teedii ee sannadkan, taas oo ay dabadeed la kulan Saddex guul daro iyo laba ciyaarood oo ay barbardhac keentay.
Ciyaartoyga u dhashay Holland, Phillip Cocu, ayaa goolkii u horeeyay u dhaliyay Barcelona daqiiqadii 40aad, kadib markii uu kubad xor ah oo ay laaday kooxdiisu madaxa ku duway oo uu shabagga kubadda dhigay, waxaana goolka labaad raaciyay oo uu dhaliyay kooxda Barcelona laba daqiiqadood kadib goolkii hore ciyaartoyga Havi, kadib markii ay isla heleen kubad qurux badan ciyaartoyga reer Holland ee Patrick Kluivert iyo Havier Saviola. 

Guushani, waxay keentay kooxda Barcelona kaalinta 10aad, taas oo aan wax sidaas ah ka fogay kaalinta ay khatarta ah ee ay kooxuhu dib ugu noqdaan kooxaha Serie B-da. Balse waxay tani kor u qaadi doontaa mooraalka ciyaartoyda kooxda oo Salaasadda soo socota ciyaar kula kulmi doonta kooxda Talyaaniga ah ee Inter Milan, ciyaartaas oo ka mid ah tartanka Kooxaha Horyaalka Yusub (Champion League).

Kooxda Barcelona, waxay natiijooyinkeedii ugu dambeeyay ee aadka u xummaa sababeen in kooxda laga eryo tababarahoodii reer Holland Luis Van Gaal iyo inuu is-casilo gudoomiyihii kooxdu.

Top