Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 273 February 21, 2003

"Waxaanu soo dhowaynaynaa dedaalka jaaliyadaha debeduhu ugu jiraan qadiyadda Somaliland"

Khayriyada Hargeysa: Xuskii 20 February Iyo Dagaalkii Siyaasadeed Ee Fooda La Is-Daray

"Mudane Madaxweyne Ku Xigeen Curfiga Dawladnimo Kuma Haboona Inaynu Joornaalka Isugu Hanjabno, Laakiin Adigaa Bilaabaye..."

Fagaaraha Khayriyada Iyo Khudbadihii La Isku Dhaafsaday

Ma Waxaad Is Moodeen, Mise Waxaad Tihiin

Ururka SAHAN Oo Sheegay Inuu Isu Taagayo Tartanka Madaxtinimada Somaliland

Wasiirka Ganacsiga Oo Beeniyay War Kusoo Baxay Jamhuuriya

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Qaska Halaga Daayo Suuqa Gobonimo

Xuska Dhagaxtuurkii Hargeysa Iyo Burco

IFTIINKA ISLAAMKA

WAADIGA CIYAARAHA


"Waxaanu soo dhowaynaynaa dedaalka jaaliyadaha debeduhu ugu jiraan qadiyadda Somaliland"

Hargeysa (Haatuf): "Golaha guurtidu wuxuu soo dhowaynayaa dedaalka ku saabsan qadiyadda Somaliland ee ay wadaan jaaliyadaha debedaha ku dhaqan ee reer Somaliland"sidaa waxa yidhi xoghayaha guddi hoosaadka arimaha bulshada ee golaha Guurtida Somaliland, mudane C/qaadir Maxamed Xasan, taasina waxay ka dambaysay dhaqdhaqaaq ay jaaliyadaha reer Somaliland ee debedaha ku dhaqan, gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalalka Ingiriiska iyo Sweden oo ku hawlan abaabul la xidhiidha sidii qadiyadda madax banaanida Somaliland loogu qancin, loona horgeyn lahaa ajandayaal iyo doodo lagu bayaaminayo qaddiyadda Somaliland shirar bishan Febarweri ee aynu ku jirno ka kala dhacaya dalalka Ingiriiska iyo Sweden. Shirarkaa oo ka Ingiriiska ka dhacaya lagu qaban doono xarunta baarlamaanka Ingiriiska waxa lagu martiqaaday 100 qof oo reer Somaliland oo ka mid ah dadka dalkaa degan.

Mudane C/qaadir waxa uu qoraal uu shalay na soo gaadhsiiyey ku sheegay inuu golaha guurtidu soo dhowaynayo, isla markaana ku amaanayaan dedaalka ku saabsan qadiyadda Somaliland ee ay wadaan jaaliyadaha reer Somaliland ee debedaha ku dhaqani, iyaga oo ku boorinaya inay sii wadaan dedaalkooda.

Top


Khayriyada Hargeysa: Xuskii 20 February Iyo Dagaalkii Siyaasadeed Ee Fooda La Is-Daray

Hargeysa (Haatuf): Waxa shalay magaalada Hargeysa laga xusay sannad-guuradii 20aad ee maalintii ay ardaydu dhagaxtuurka ka sameeyeen qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, sida Hargeysa iyo Burco, iyadoo munaasibadii dhagaxtuurka ardayda sannad walba la xuso 20-ka bisha Febarweri. Laakiin xuska maalintaa ka sokow waxay kooxihii dhinaca siyaasadda kala afkaarta ahaa kala furteen maryo-dhiig leh, ka dib markii ay isu dhiib-dhiibeen hadalo ba’an oo duurxul siyaasadeed ah, badheedhena aan ka taganayn.

Bishii 20-kii Jananweri sannadkii 1982-kii ayey ardaydu mudaharaad dhagaxtuur ah kaga jawaabeen xukum ay maxkamadii badbaadada ee taliskii Siyaad Barre ku ridaysay niman dhalinyaro mutacalimiin ah oo ku bahoobay kooxdii ama ururkii la odhan jiray UFO, nimankaa dhalinyarada ah oo reer Hargeysa ahaa waxay isu abaabuleen inay ka shaqeeyaan adeegyada aasaasiga ah ee dadkooda, sida Caafimaadka, waxbarashada IWM, laakiin maamulayaashii dawladdii Siyaad Barre waxay dhalinyaradii ku bahowday UFO si weyn uga horyimi dhaqdhaqaaqoodii samafalka ahaa, kuna tilmaamay niman qaran dumis ah, ka dibna xabsiga u taxaabay, laakiin kooxo ardayda Dugsiyada oo dabcan ay hareerta kaga jireen macalimiintoodu ayaa ka damqaday xaq-darada lagu xukumayey nimnkaa dhalinyada ah ee UFO, ka dibna waxay falkaa kala horyimaadeen mudaharaad ba’an, iyaga oo sawaxankii iyo dhawaaqyadii ay dareenkooda ku muujianayeen ka sokow sacabadooda isticmaalay, ka dib markii ay dhagaxtuur raaciyeen mudaharaadkooda, laakiin ciidamadii taliskii Siyaad Barre mudaharaadkii ardayda sacabaleyda ah kaga jawaabay rasaasta ka dhacda boobayaasha gacanta lagu qaato iyo gawaadhida gaashaaman, waxayna rasaastaasi leeftay oo halkaa ku naf-waayey qaar ka mid ah ardaydii mudaharaadaysay, iyadoo ay kuwa dhintay ka mid ahaayeen arday aad u da’yar oo dhiganayey Dugsiyada baraymariga ah.

Xuskii shalay ee sannadkii guuradii 20aad ee dhagaxtuurkii ardayda waxa isu soo baxii looga sameeyey ka qayb galay dad kala duduwan oo ay ka mid yihiin xubno ka nool kooxdii UFO, hogaamiyayaasha axsaabta siyaasadda qaarkood, xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Madaxweyne Rayaale, kooxo arday ah iyo dadweyne kale, waxaana ugu horayn ubax la dhigay taalada ku taal maxkamadda gobolka Hargeysa oo ah taalada lagu xusuusto ardaydii ku nafwayday mudaharaadkaa, ka dibna waxay dadkii xuska ka soo qayb galay socod lug ah kaga soo dhaqaaqeen taalada, waxayna socodkooda dhexmareen wadada laamiga ah ee badhtamaha magaalada Hargeysa ilaa fagaaraha khayriyadda, iyadoo ay dadkaasi siteen boodhadh ay ku qoran yihiin halkudhegyo ka turjumaya munaasibadda ama maalinta loo dabaal-degayo. Laakiin markii la tegay fagaaraha khayriyadda waxa halkaa khud-bado ka jeediyey madaxdii iyo hogaamiyayaashii siyaasadeed ee madashaa isugu yimi.

Inkasta oo ay munaasibadaasi ahayd mid lagu xusayey sannad-guuradii 20aad ee ka soo wareegtay dhagaxtuurkii 82-kii ee ardayda, hadana dhinaca kale madashii fagaaraha khayriyadda ee la fadhiyey waxa hadhaysay ceeryaamo siyaasadeed, waxaana cod-baahiyaha iska bedelay rag siyaasadda ku kala aragti duwan ama ay ka dhexayso qardebo siyaasadeed.

Runtii waxa dhufayska isugu soo galay rag aan dhinaca siyaasadda isu nafsad wanaagsan oo kala korjoogaysta, taasina waxay keentay inay kuraasta masraxa yar ee fagaaraha khayriyadda soo wada fadhiistaan rag aan dareenkooda iyo wejiyadoodu isu san-banaanayn, sidaa darteed waxa markiiba bilaabmay dagaal cumuruq, taas oo ugu horayn isha iyo wejiga la isaga sanqaday, laakiin intaa lagu joojin ee waxa hoosta la isaga dhiib-dhiibay kaftan fiiq-fiiqan oo aan la isu hanbaynayn.

Dhinaca dawladda waxa fagaaraha yimi Madaxweyne-kuxigeenka mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo raxan wasiiro ah oo ay ka mid yihiin, wasiirka arimaha gudaha, Ismaaciil Aadan Cismaan, wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale, wasiirka ganacsiga, Rashiid Xaaji C/laahi iyo wasiirkuxigeenka macdanta iyo biyaha Yuusuf Ciise talaabo. Sidoo kale dhinaca kalena waxa goobta joogay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Maxamed Kaahin Axmed oo isna ka mid ah hogaamiyayaasha waaweyn ee urur-siyaasadeedka ASAD iyo xubno kale oo ka mid ah axsaabta siyaasadda, sidoo kale waxa dadka isu baxaa ka soo qayb galay ka mid ahaa Foosiya Xaaji Aadan oo dhowaan ku dhawaaqday inay u sharax tahay madaxweynenimada Somaliland, laakiin dadka iyaguna madashaa joogay waxa ka mid ahaa Marwadii uu ka geeriyooday madaxweynihii hore ee Somaliland, marwo Kaltuun X. Daahir, oo ka mid ahayd ardaydii ka qayb gashay dhagaxtuurkii Hargeysa ka dhacay. 

Hase yeeshee marka laga yimaado dareemadii iyo kaftankii la isku dhaafsaday fadhiga waxa mar kale la iska weeraray cod-baahiyaha, halkaas oo la isku dhaafsaday weedho suluf siyaasadeed leh oo la sir iyo caad-ba la isugu duur-xulay, hadaladaas oo ay dadkii madasha hoganayey si weyn ugu dhegtaageen, waxaana dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa: Madaxweyne-kuxigeenka, Axmed Yuusuf Yaasiin, wasiirka ganacsiga Rashiid Xaaji C/laahi, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, Muj: Maxamed Kaahin iyo kaltuun Xaaji Daahir, laakiin intii aanay dadka hadlay cod-baahiyaha iman waxa weedho badan oo dareen leh si ritay C/laahi Cukuse ayaa dhegta haystay cod-baahiyaha oo barnaamijka daadihinayey. "Madaxweyne-kuxgeenkiina waa inoo yimi oo malaa doonaya inuu biyihii inooga waramo"ayuu yidhi, C/laahi Cukuse, laakiin wuxuu mar kale yidhi "Inkasta oo ay baratakoolka dawliga ahayd inuu Madaxweyne-kuxigeenku munaasibadda inoo xidho, hadana waa tii la yidhi waa dimoqraadiyad, markaa maanta waa maalintii ardayda, sidaa darteed waxa inoo xidhaysa Kaltuun Xaaji Daahir oo ka mid ahayd ardaydii dhagaxtuurkaa ka qayb gashay."

Intaa ka dib Axmed Siilaanyo ayaa cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyey, wuxuuna halkaa ka jeediyey khudbad uu ku tiiq-tiiqsaday, laakiin khudabadiisa inkasta oo uu ku bilaabay hadalo taariikh waran ah oo la xidhiidha munaasibadda loo dabaaldegayo, hadana kama waabban inuu fursadda ka faa’iidaysto, sidaa darteed waxa uu halkaa ka jeediyey hadal siyaasadeed uu dhinacyo badan u dhigay.

Axmed Siilaanyo runtii cid carrabka kuma dhufan, laakiin waxa muuqatay inaanay hadalada qaarkood ahaayeen duur-xul siyaasadeed oo uu u dusinayo rag xilal ka haya xukuumadda Somaliland. "Anigu cid ma magacaabayo, laakiin waxa la yidhi dhagar-qabe dhulka ayaa u dhaqdhaqaaqa, kii dhuumanaya ee dhabarku muuqdow"ayuu yidhi Axmed Siilaanyo, isaga oo ka hadlaya xasuuqyadii Somaliland ka dhacay xiligii taliskii Siyaad Barre, wuxuuna intaa ku daray "Dunida qofka xasuuq geysta xil looma dhiibto dee hadaad u dhiibato mar kale ayuu ku xasuuqi karaa, waar miyaanay sidaa ahayn"ayuu yidhi, isaga oo su’aasha dhex-dhigaya dadweynihii dhegaysanayey, "Haa"ayey ku dhawaaqeen iyaguna.

Sido kale Maxamed Kaahin ayaa hadalka qaatay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Ma aha in idaacadda iyo Maandeeq maalin walba laga caayo dadkii dalkan u soo halgamay, waana kuwa dafira taariikhdii halganka, kuwaasaana u baahan in lagu soo oogo dembiyada xasuuqa," laakiin Maxamed Kaahin marka uu sidaa lahaa waxa meesha fadhiyey wasiirka warfaafinta xukuumadda Somaliland, C/laahi Maxamed Ducaale oo ay hoos-yimaadaan labada meelood ee uu Maxamed Kaahin carrabka ku dhuftay, iyadoo uu C/laahi Maxamed Ducaale muddo dheer wasiir firfircoon ka ahaa dawladda Somaliland, halka uu Maxamed Kaahina xubin firfircoon ka ahaa mucaaradkii ba’anaa ee mudadii dheer ku kacsanaa dawladda Somaliland.

Dhinaca kale wasiirka ganacsiga Rashiid X. C/laahi oo gudoomiye ka ah guddi wasiiro ah oo hore loogu magacaabay baadhista iyo dabagalka xasuuqyadii dhacay ayaa madashaa ka hadlay, laakiin C/laahi Cukuse ayaa markii uu Rashiid cod-baahiyaha ku soo dhowaynayey ku tiraabay "Wasiirka ganacsiga ayaa madax ka ah guddiga wasiirada markaa isaga ayaan ku soo dhowaynayaa si inoogaga waramo halka ay marinayaan hawshii baadhista xasuuqa", sidaa darteed Rashiid lama soo degdegin jawaab difaac ah ee wuxuu bilowgii ku dedaalay inuu is-daad raaciyo sheekada dareenka dadka damaqday ee ay fureen ragga qaarkii, laakiin wuxuu hadalkiisa ku soo xidhay "Arimahaasi way fiican yihiin in laga hadlo, laakiin yaan la siyaasadayn."

Madaxweyne-kuxigeenka ayaa isna hadalka qaatay, isaga oo u muuqday nin jidh-diidaya hadaladii sulufta siyaasadeed lahaa ee ay qolyaha mucaaradku carrabka la raacraaceen, laakiin Madaxweyne-kuxigeenka uu u muuqda nin aan weli balaaqadda siyaasadda aad ugu doob-dilaacsan uma faadhumaysan inuu jawaab taf-dheer ka bixiyo hadaladii sulufta lahaa ee mucaaradku u duurxulay dhinaca dawladda, hadana kama aamusin inuu wuxuun yidhaahdo, sidaa darteed wuxuu hadalkiisa ku soo xidhay "Siyaasigu waa dano badan yahay, markaa siyaasiga iska ilaaliya anigana ha ahaatee". Laakiin Kaltuun Xaaji Daahir ayaa hadalka ugu dambaysay, waxayna hadalkeeda ku khatintay "Waxaan hayaa xog badan oo ku saabsan xukuumadda maanta talada haysa, waxaanse sheegayaa marka layga baahdo."

Marka la isku soo xooriyo hadaladii sulufta siyaasadeed lahaa ee ay nimanka mucaaradku fagaaraha khayriyadda isla kala jiideen waxay ahaayeen kuwo dhinbiilo dab ah ku noqday oo aanay jeclaysanayn raggii xukuumadda ka tirsanaa ee madasha fadhiyey, sidaa darteedna ragga qaar baa jiriidka isgeliyey ama fadhiga kuurkuursaday markii ay ragga mucaaradka ahi hadalada qaarkood kor ugu sawaxmayeen, waxayna qolyaha xukuumadda ee madasha fadhiyey u arkayeen munaasibad ay mucaaradku si kale uga faa’iidaysteen.

Top


"Mudane Madaxweyne Ku Xigeen Curfiga Dawladnimo Kuma Haboona Inaynu Joornaalka Isugu Hanjabno, Laakiin Adigaa Bilaabaye..."

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Canaan Madaxweyne Ku Xigeenka Uga Timi

Hargeysa (Haatuf): Maareeyaha guud ee wakaaladda biyaha Hargeysa, Cumar Maxamed Xandulle (Cumar-Boobe), ayaa jawaab kulul ka bixiyay digniin ku wajahan wakaaladda biyaha Hargeysa, oo ka soo yeedhay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, taas oo uu Madaxweyne xigeenku sheegay in ay dawlad ahaan tallaabo ka qaadi doonaan xaaladda biyo la’aanta ee ka taagan magaalada Hargeysa, iyadoo uu Madaxweyne xigeenku biyo la’aanta Hargeysa si ba’an ugu canaantay Madaxda wakaaladda biyaha, laakiin maareeyaha wakaaladda biyaha Cumar Boobe ayaa qoraal saxaafadda loogu talogalay oo uu shalay soo saaray canaanta Madaxweyne xigeenka ku tilmaamay mid aan daw ahayn.

Madaxweyne xigeenku Salaasadii toddobaadkan ayuu kormeer kedis ah ku tegay xarunta wakaaladda biyaha Hargeysa, kadibna hadal uu saxaafadda siiyay ayuu ku sheegay inaanay dib dambe ugu dul-qaadan doonin dhaliisha biyo la’aanta ee jirta, laakiin maareeyaha wakaaladda biyaha ayaa aad uga damqaday hadalka Madaxweyne xigeenka, kadibna wuxuu soo saaray qoraal dheer oo uu kaga warbixinayo xaaladda wakaaladda biyaha, wuxuuna warbixintiisa ku xusay inay wakaaladdu Lacag malaayiin shillin Somaliland gaadhaysa ku leedahay Dawladda, taasina ay ka mid tahay waxyaalaha wiiqay wakaaladda. Isla markaana maareeyuhu wuxuu tafaasiil aad u ballaadhan ka bixiyay duruufaha haysta wakaaladda, tallaabooyinka uu dhinaciisa qaaday iyo inaanu wax dhaliil ah ku lahayn duruufaha jira, balse Madaxweyne xigeenka laftiisa ayuu dhiniciisa dhaliilo badan u riixay, laakiin qoraalkaasi isaga oo dhammaystirana wuxuu u qornaa sedan:

"Mudane Madaxweyne ku xigeen, Shalay oo bishu ay ahayd 18/2/2oo3 waxaad timid xafiiska maareeyaha guud adigoo la kulmay maareeye ku xigeenka wakaalada biyaha, digniin culusna ku soo qoray wargayska jamhuuriya cadadkiisii ku taariikhaysnaa 19/2/2oo3. 

Wakhtigaas aad xafiiska timid anigoo ah maareeyaha guud waxaan raacay guddi golaha guurtida ah oo xaqiiqo raadis ah, sidaa darteed maynaan kulmin waxna ismaynaan waydiin, hase yeeshee xaalada biyaha halka ay marayso mar walba warbixin baan kaa siinayay haday tahay mid maamul iyo haday tahay mid mashaariiceedba. 

Hadaan hoos u sii daadago bishii july 2oo2 waxaad kormeer kadis ah ku tagtay saldhiga biyo soo saarka ee G/deeble, xaalada G/deeblana waad soo aragtay ha ahaato mid qalab iyo mid shaqaalaba, dhibaatadana waad ka garawday shaqaalahana waxaad siisay abaal gud dhan 3,000,000/= 51 5h sid a ku cad warqadaada No:

RSLNP/WB/35-oo0609/0702 ee 13,07,2002 . 
Kolayba dhibaato marka la arko xalbaa la raadiyaa ilaa hadana wax talaabo ah oo dhinaca dawlada ah oo aad qaaday ma jirto hase yeeshee anaa warbixin kugu siiyay in hay'ada UNHCR noo ogolaatay spare parts Emergency ah oo EU du bixinaysay. 

Spare partskaas wakhti dheer ayuu qaatay, qaybtiisii horena waxay timid 10/10/2oo2 iyadoo aan dhamaystirnayn, qiimaheeduna dhan yahay $ 49,000, oo ay ku jiraan laba mishiin oo yar yar oo kuwa ceelasha ah . 

Qaybtii labaadna waxay na soo gaadhay 13/2/2oo3 qiimahiisu dhan yahay $ 27,000, markaa khasab ayay noqotay in dayactirkaas la galiyo mishiinada, waxaanay qaadatay sadex maalmood iyadoo habeen iyo maalinba la shaqeenayay, waxaana la dayactiray sadex mishiin, midna gacantaa lagu hayaa. 

Arrinta labaad waxaan warbixin kugu siiyay in hay'ada Africa 70 ay gacatna ku hayso laba mashruuc oo midi yahay dib u hagaajinta ceelasha oo ah mashruuc deg deg ah oo ku kacaya 110,000$, waxaanay dhameeyeen ceelasha hoos ku qoran:

  • Ceelka No:13 waa la hagaajiyay, waana la sifeeyay, waana la tijaabiyay, isla markaana waxaa laga ooday daadka iyadoo lagu xidhay gaabyan dherekiisu yahay 12m x 2m. 

  • Ceelka No: 14 waa la hagaajiyay, waana la sifeeyay, waana la tijaabiyay, daadkana waa laga ooday iyadoo lagu xidhay gaabyan dhererkiisu yahay 30m x 3m. 

  • Ceelasha No:6 iyo 12 labaa ceel dib u hagaajin guudbaa lagu sameeyay laba mishiin oo cusubna waa la saaray iyo submersible pumps. 

Tirada ceelasha maanta shaqayn kartaa waa 12 ceel oo ah wax shaqeeya iyo wax diyaar ah. 

Waxa kale oo aan warbixin buuxda kaa siiyay mashruuc balaadhan oo ah ( Semi centralized Power) oo hay'ada Africa 70 dhawaan bilaabayso, daraasadiisiina dhamaatay dhawaana la bilaabi doono kaasoo la filayo inuu ku kaco 1,oo0,oo0 oo Euro ah. 

Waxaan iyana aan kuu soo gudbiyay mashruuc ay noogu deeqday hay'ada UNDP oo ah extension biyaha lagu gaadhsiinayo xaafada Ayaxa oo ku kici doona 34,721 $ oo heshiiskiisii hadda la saxeexay, bilawgiisiina qorshaha ku jiro. 

Waxa kale oo aan kuu soo gudbiyay nuqul ka mid mashruuc balaadhan oo ku saabsan dhuun sadexaad oo la soo dhigo G/deeble Hargaysa, iyo laba barkadood oo waaweyn oo laga dhiso magaalada kuwaasoo aan kuu sheegay in aan u gudbiyay Islamic bank iyo Africa Banka iyo Hay'ada Eu da, oo ku kici doona 1,838,930 $. 

Dhinaca kale ee maaulka hadaan '.u gudbo waxaan kuu keenay warqada aan kaga hadlayo deynta dawlada kaga maqan wakaalada biyaha oo dhan 250,197,466 51 5h oo aan kaa codsaday in lacagtaas talaabo laga qaado sidii ay u heli lahayd, arag warqada 3/8/2oo2. 

Waxa kale oo aan 3/8/2oo2 aan idiin 5oo gudbiyay warqada Numbarkeedu yahay WBH/oo1 oo aan idiinka codsaday in dawladu meel saarto lacagta maamulkii iga horeeyay ka tagay ee dadweynuhu ku leeyahay wakaalada oo dhan 698,026,867sl sh, oo 
ay leeyihiin dadweyne ka kooban 57 qof. 

Waxa kale oo 7/12/2002 kuu soo gudbiyay deynta lagu leeyahay dawlada oo gaadhay heer aanay wakaaladu ka adkaysan karin taasoo dhan 446,029,269 51 5h, deyntaas kor ku sheegan maanta oo ay taariikhdu tahay 19/3/2oo3 waxay maraysaa 531,008,627 51 5h, arag warqada la qoray 7/12/2002 iyo 17/2/2003. 

Waxa kale oo aan wasiirka maaliyada u qoray adigana nuqul kaa siiyay anigoo wasiirka ka codsanaya in deynta dadweynaha qorshe loo sameeyo sidii loo bixin lahaa, iyo indeynta naga maqan ee dawlada lagu leeyahay uu talaabo ka qaado sidii wakaalada loogu soo xarayn lahaa, hadii wax cashuur ah wasaarada maaliyadu ku leedahay wakaaladana laga gooyo deynta aan dawlada ku leenahay, wixii kalena baanka lagu shubo. 

Arrimahaa aan soo sheegay oo dhan adigaa ayaan kula wada socodsiiyay, mararka dhifka ah ee aan arkay madaxweynaha warbixinaha aan siiyay waay koobnaayeen, waxaanan filayay inaad adigu oo ah madaxweyne ku xigeenka Jsl inaad qaado talaabada ku haboon oo ah arrimahan soo socda:

  1. Wixii maamulka ku saabsan ee dawlada dhexdeeda ah aad awaamiir ka bixiso, dabogalna ku samayso adigoo kolayba la tashanaya madaxweynaha Jsl, maadaama aan warbixinaha ku sllnayay.

  2. Wixii mashrric ah waxaan filayay inaad raaciso warqada taageerada (Supporting Letter) oo aad u qorto hay'adaha aan mashaariicda u gudbinay gaar ahaan labada mashruuc ee waaweyn ee mid soo dhamaaday, midna uu ilaa hadda qabyada yahay ee ah ka dhuunta sadexaad iyo berkadaha kaydkaah. 

Mudane madaxweyne ku xigeen waxaan ka xumahay adiga oo intaas oo dhami dhinaacaga jiraan oo ay qabvo ku vihiin inaad maanta joornaalka ku qorto ereyada ah Dib ugu dulqaadan mayno oo eegan mayno xaalada biyaha Hargaysa ka taagan. 

Hadaba iyadoo curfiga dawladnimo aanay ku haboonayn in labadeenu joornaalka wax isugu qorno, isuguna hanjabno.

Hadaba adigaa bilaabaye ma adigaa dulqaatay oo maanta aan dulqaadanayn, mise anigaa daboolay oo dusha u ritay hawlo aad wax ka qabasho, amar ka bixin, iyo dabogal fulineed ku lahayd oo aan kuula soo cawday? Kuwaasoo aan dawgii haboonaa aanad ka marin. 

Mudane madaxweyne ku xigeen hawlaha dhamaaday iyo kuwa soo socdaba magaaladayda ayaan u qabtay, cidna abaal kaga dooni maayo. 

Mudane caano daatay dabadood la qabay ee hadday maanta kula haboonaatay inaad biyaha Hargaysa wax ka qabto, hawlaha deg deg ah ee meesha yaala waa kuwan:- 

  • mishiinada afarta ah ee la dayactiray sadex waxay oolayaan G/deeble, midna waxaa la keenayaa B/khadar oo uu sadex ku noqonayaa, mishiinadu waa kuwo daalay oo shaqeenayay mudo 10 sano ah oo dayactir kasta oo lagu sameeyo mudo dheer ma tamarin karaan ee waa in la helaa laba (2) mishiin oo cusub oo ah 330KV A, kamana badna 60, 000 $.

  • Lacagta wakaalada ka maqan ee dhan 531,oo8,627 sl sh, kama maaranto wakaaladu ee bal isku day inaad soo xarayso, iyada ayay baahideeda ku dabooli kartaaye.

  • Mashruuca weyn ee dhuunta saddexaad iyo berkadaha taageero iyo dabogal dawli ah ayay u baahan yihiin.

  • Mudane madaxweyne ku xigeen anigu mudo badan ayaan maamul dawladeed ku soo jiray, aqoonta aan ka kasbadayna waxay tahay marka dhibaato laguu soo sheego hubso oo marka hore xaqiiqo raadi, marka aad xaqiiqada ogaatid imkaaniyaadka aad haysato ku xisaabtan, marka xigana cida kaa saraysa la tasho, ka dibna go'aanka saxa ah gaadh. 

  • Go'aanka aad gaadhaysaa ha noqdo mid dawladeed oo fulin iyo dabogalba ay weheliyaan, laakiin adigoon cidii ay arrintu khusaysay waxba ka waydiin joornaalka u yeedho oo ku hanjab uma haysto inay tahay wadada toosan ee dawladnimo, maamulo.

Arrintu si kastaba ha ahaatee haddaan dhaliil yeesho waa qaadanayaa ee adigu taada ma qaadanaysaa?

Kolayba arrinta joornaalka ayaad gelisay oo waxaan u daynayaa Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Top


Fagaaraha Khayriyada Iyo Khudbadihii La Isku Dhaafsaday

Hargeysa (Haatuf): Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayay sannad-guuradii 20aad ee kasoo wareegtay dhagax-tuurkii magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ee 20 February 1982-kii ayaa shalay lagu qabtay fagaaraha khayriyadda ee magaalada Hargeysa, munaasibaddan oo ahayd mid ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka socotay dhinaca xukuumadda, xisbiyada mucaaradka, xubno ka socday dhallinyarada UFO, marti-sharaf kale iyo dadweyne aad u badan oo ay horkacayeen dhallinyaro sidatay boodhadh ay ku qornaayeen halku-dhegyo ka turjumaya taariikhda iyo qiimaha halganka ee ay ku suntantahay maalintii xuska munaasibadda ayaa halkaa isugu yimid, maalintan oo ahayd mid aad dareenka dadkii halkaa isugu yimid ee kasoo qaybgalay wax badan xusuusisay.

Waxa daadihinayay C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sheegay inuu isagu maalintaa dhagax-tuurka oo ka mid ahaa guddidii qabanqaabada, wuxuuna mikirifoonka kusoo dhoweeyay Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi, oo ku hadlayay magaca dhallinyarada (UFO), wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay; "Marka hore Ilaahay ayaa mahad leh, maanta waxaynu xusaynaa dhagax-tuurkii 20 February 1982, sida qolooyinki horeba u sheegeen SNM oo markaa bilaabantay 6 April 1981-kii, waxay ahayd in lagu bilaabo halgan hubaysan oo dalka lagu xoraynayo ayuu gundhigeedu ahaa, maalintaa anigu dareen baan lahaa, maantana waxa kasoo wareegay 20 sanadood.

Maalintaa 6 February anigu waxaan ku jiray meel madow oo aanan ka warhayn waxa ka dhacaya Hargeysa iyo meelo kale toona, oo jidh-dil iyo dhib la ii gaysanayay, laakiin 20 February waxaan ku soo toosay iyadoo xabadi dhacayso oo kuwii indhaha nagu gubi jiray ee hanjabaada badnaa qoryuhu ka daadanayaan. Maalintaa aniga waxay ii ahayd maalin farxad badan oo haddaan sidii ku dhiman lahaa waxay ii ahaan lahayd farxad.

Maalintaa dhallinyaro maqashay waxa la xukumayaa dhallinyaradii UFO ayaa maxkamadda dhagax kala hortegay kaarayaashii iyo Beebeeyadii, waxaana ku shihiiday 17, waxayna ahayd Saddex maalmood oo isku xiga 20,21 iyo 22-kii, waxayna ahayd dhamacdii shiday halgankii qadhaadhaa oo ay SNM, iyadoo debedda joogta bilaw u noqotay, halgankaa qadhaadh ee intaasoo sanadood lagu soo jiray waxa ku shihiiday in badan oo maanta magacyadooda aynu hayno.

Waxaan idiin sheegayaa dadkaa dhintay ee u dhintay dalkan ee u shihiiday xornimadeena ee suurtogeliyay inaynu maanta halkan joogno inaad u faataxaysaan. Waxaan islahaa shalay markii dhulka dib loo xoraynayay mid way ku dhaaftay oo wixii faqash iyo af-weyne camalkiisii waad ka raysanaysaan oo si wanaagsan ayaad u ledaysaan, dadkuna way garanayaan wixii ay u soo dagaalameen, laakiin waxaan ark,ay wixii eedaad aynu soo marnay intaynu halkaa iska dhignay inagoo dib u bilownay wixii Af-weyne ina soo mariyay oo inta dhul inagaga dhimatay waynu ognahay, maalin walba waxa laysku haystaa meel yar oo aan waxba ahayn, dadku waxay ku xoonsan yihiin Maxkamadaha oo ay cadaalad ka la’yihiin oo maalin walba ay kusoo kalahaan oo leeyihiin [lix sanadood ayaan halkaa taagnaa dacwadaydana waxba kama jiraan].

Caddaalad ayaa dadka deeqda, haddii cadaalad la waayana waa dhib oo way qadhaadhahay, wixii shalay ina soo marayna hadaynu dib u samayno waxaynu noqnaynaa dad taariikhdii oo dhan ilaaway, taariikhduna waa qaali, maantana waxaan is-weydiinayaa tallow xagee ku socotaan, waxaan arkaa dalkeenii Somaliland ee aynu goosanay oo sii kala jajabaya, dadkii oo kala maqan, waxaan arkaa Jabuuti oo meel inaga soo gelaysa, dhaqaalaheena oo ku xidhnaa xoolaha oo xoolihii ay istaageen, waxaan arkaa Itoobiya oo xidhiidhkeeni wanaagsanaa xumaanayo, waxaan arkaa inaynaan isweydiinayn waxaynu u dhimanay.

Waxaan la hadlayaa dhallinyarada halkaa tuban, waxaan leeyahay maanta doorashooyin ayaa soo socda, waa inaynu ka fiirsanaa hoggaanka aynu dooranayno."

Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ah xubnaha UFO ayaa isaguna wuxuu soo jeediyay in raggii halyeyada tacliinta ahaa ee dalka u soo halgamay sida Maxamuud Axmed Cali loogu bixiyay dugsi, Gaandina loo bixiyay dugsi, markaa waa in loo bixiyo jaamacadda Hargeysa halyeygaa Xaaji Aadan Cilmi oo ahaa halyayadii tacliinta, ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ururkii SNM, ayaa mikirifoonka lagu soo dhoweeyay, isagoo ku hadlayay magaca xisbiyada iyo magacii halgankaba, wuxuuna Axmed Siilaanyo hadalkiisii ku bilaabay, "Maadaama aan doonayo inaan dhawr arrimood ka hadlo oo laga yaabo in aaraada ururada iyo Axsaabtuba ku kala duwanaan karaan, inta aan is leeyahay kuguma qabsan karaan ee naga dhaxaysa aan ku horeeyo, taas oo ah maalintaa qiimaha iyo qaayaha leh ee aynu maanta xusayno, mujaahidiintii dhallinyarada ahayd ee ku shihiiday qiimahay leedahay iyo halkay Taariikhda ka galeen, mujaahidiintii ku dhimatayna aynu u faataxayno, oo samir iyo iimaan ilaahay inta nool ee ay ka mid yihiin raga halkan joogaana aynu u mahadcelino, waxaana u mahadcelinayaa doorkii ay halgankaa ka qaateen iyo qiimaha ay umadda u soo jiideen ee taariikhda galay. Axmed Siilaanyo wuxuu intaa kadib u gudbay mawduuciisa ku wajahan taariikhdii halganka iyo munaasibadda, wuxuuna ku bilaabay; "Umad waliba waxay leedahay Taariikh, taa macnaheedu waxa weeye in khaladaadkii lasoo maray, si loo ogaado wixii dhacay, in mustaqbalka laga digtoonaado oo taariikhda la barto, ummad aan Taariikh lahaynina ummad jirta maaha, kuwa maanta jecel in la qariyo ee magacyada badan ku sheega, ee marka lasoo qaado halgankaa iyo dhibtii dalka loosoo maray, inta u shihiiday inta xabsiga u gashay, inta baahan iyo inta gidaarada joogta, dad baan jeclayn in lasoo qaado oo hoos loo dhigo, waxaasuna wax caqliga gala maaha, ummad taariikhdeeda ilwdayna umad ma noqoto, diyaaradda halkaa saarani macnay u taagan tahay, waa diyaradii ka kacday Hargeysa ee duqaynaysay shacbiga maanta halkan jooga.

Taariikhda lama qarin karo, lama ilaawi karo, wixii ay dadkani soo mareena ee aan dumar, caruur iyo dhallinyaro loo kala hadhinina wax la qarin karo maaha, cidna ka oggolaan mayno in eedo kale loo sameeyo.

Maanta halkan waxa jooga ragii Xabsiga loo taxaabay, waxa jira maalmo badan oo ka tilmaaman halgankii lasoo maray, maalinta aynu halkan ugu dabaaldegeynaana waxay ka mid ahayd maalmaha ugu qiimaha weyn ragii halgankaa ku jiray ee halkan jooga ayaa taariikhdaa xidhnaa, laakiin haddaan inyar ka xuso ururka iyo halganka meelo badan ayuu ka socday, qayb markaa Xamar joogtay oo isku qancin jirtay gudahaynu wax ka beddeli karnaa, haddaynu wax qabsano ayaanu isku jirnay.

SNM waqtigaa urur curdin ah oo London waraaqo kasoo saara ayuu ahaa, markii carruurtii dubaabado la mariyay ayaanu nidhi waar shirkeena yaan loo kala tegin, shirkaa aanu fadhiisanay waxaanu isku tusnay yaynaan maanta u kala tegin halgankana hala xoojiyo oo meelo badan ha ka socdo.

Rag waaweyn oo dalka jooga kuwo dhintay iyo qaar maqanba ayaa lagu shiray, shirkaa waxa lasoo jeediyay maanta haddii caruurtii dubaabad la mariyay, maxaynu qaban karaa, maalintaa halkaa ayaan anigu idhi waan tegayaa oo waan dagaal tegayaa, wax halkan ii yaalaa ma jiraan, maantana waxay ka mid tahay maalmaha ugu waaweyn ee halganka ku tilmaaman, haddii marka lasoo qaado halganka looga dhigo dadka inay qabiil tahay, waa beene waxba kama jiraan, waana la xusayaa wuuna jirayaa, wuxuuna ahaa mid haloo kala badnaadee beelaha Somaliland iyo qaar aan Somaliland ahayniba ay ku jireen, waxaana ku shihiiday dad nooc walba leh, waxa la yidhaahdaa waynu isa saamaxnay, waxaynu saamaxnay umaddu way isa saamaxday, dadweynuhu wuu isa saamaxay, qabaa’ilku wuu isa saamaxay, waa dhab oo waa waxay Somaliland ku dhisan tahay, waa tii Burco lagu wada tashaday ee lagu dhisay Somaliland ee aynu maanta ku taaganahay oo qiimaheeda leh, laakiin taa macnaheedu maaha, qofkii dembbiilaha ahaa reerku doono ha ahaadee, reer gaara maaha, nooc gooni ah maaha, qabiil gooni ah maaha, waa qofkii umadan dembi ka galay ee dunuubta waaweyn ka galay, waa mid suntan haddii la moodayo in la ilaawo lama ilaawayo taa.

Xasuuqyadaasi waa kuwii shalay daadku soo saaray Malko-Durduro, iyadoo dumarku caruurta dhabta ku haystaan oo silsilado ay dadku isugu xidhan yihiin.

Madaxweynihii geeriyooday ala ha u naxariistee iyo rag aan ku jiro oo wasiiro ah ayaa tegay, waxa maalintaa aanu ballan qaadnay inaan laga hadhayn, waana tii lasameeyay guddida xasuuqa. Haddii cidi xasuuq samayso wax inaga inoo gaar ah maaha waa xeer Caalamka u yaala, marka xasuuqa ama halganka lasoo qaado maxaa cid loogu caaridaa oo cid gooniyi u xanaaqdaa, anagu cidna magacaabi mayno.

Maanta khudbada aan halkan ka leeyahayna waa sharciga Caalamka u yaala, haddii xataa la saamaxo qofka arrin kasii weynbaa jirta oo qofka xasuuq geysta xil looma dhiibto, hadaad u dhiibato sow maantana ku xasuuqi maayo, anigu cidna magacaabi maayo, cid gaarana ma tilmaamayo ‘dhagar-qabe dhulkaw dhaqdhaqaaqaa ayaa la yidhi’ heestii Siyaad Bare waxa ku jirtay kaa dhuumanayoow dhabarku muuqdoow.

Marar badan ayaan maqlaa marka laga hadlayo xasuuqa, kuwo ama dalka jooga ama dibedda jooga oo yidhaahda dadka aynu tilmaano sida Gaani iyo Moorgan ayaa I badbaadiyay, waxaanu leenahay hadduu adiga kula baxsaday qaar bbaanu la baxsan, markaa kuwaasi waa kuwo markhaati dadban ku furaya oo qiraya inuu ninkaasi awood lahaa, laakiin kuwii la xasuuqay haddii ay maanta hadli karayaan waxay odhan lahaayeen anaga nalama baxsan.

Wasiirka ganacsiga Rashiid X. C/laahi ayaa isna hadalo kooban ku sheegay in uu yahay guddoomiyaha Guddiga wasiirada xasuuqa ee waqtigii xabaalaha Malko-Durduro soo baxeen la sameeyay wuxuu sheegay inay hayaan 197 xabaalood oo waaweyn iyo ilaa 2000 qof oo markhaatiyo ah, mana aha arrintaas xasuuqu mid laga hadhayo, laakiin sidii loo geli lahaa ayaa siyaasad adag u baahan ayuu yidhi. Mudane Rashiid wuxuu sheegay mar uu ka hadlayay dhinaca Itoobiya iyo xidhiidhka Somaliland, inaanay waxba xumaani jirin ee laga shaqeynayo.

Mujaahid Maxamed Kaahin oo ka nool shantii sarkaal ee ugu horreeyay ee tallaaba ayaa isna waxyar ka xusay taariikhda halgankii iyo maalintan qiimaha leh, wuxuuna sheegay inaanay umaddu hadday Taariikhdeeda lumiso aanay karaamo sharaf iyo ciso ku noolaanayn ee ay duloobayaan.

Mujaahid Kaahin wuxuu yidhi; maaha marka laga hadlayo xasuuqii in loo qaato in cid gaar ah ama qabiil lala hadlayo, laakiin Faqash ay Isaaq iyo cid walba ahaayeen, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi; "Anigaba kuwii cid iigu xigay ayaa laysoo diray, markaa kuwa wax xasuuqay may ahayn qabiil iyo qolo gaara."

Mujaahid Maxamed Kaahin wuxuu sheegay inay ceeb tahay in dadkii dalka u soo halgamay laga caayo idaacadda iyo Maandeeq, anaaba ka mid ah kuwa maalin walba laga caayo, markaa kuwaasaa u baahan in xasuuqa lagu soo daro, waayo waa kuwa diida ee dafira taariikhda halgankii umaddan.

Madaxweyne xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isaguna hadal kooban ka jeediyay halkaa, wuxuuna sheegay inaan loo baahnayn in laga hadlo sannad kasta taariikhda halganka ee loo baahan yahay in la qoro oo manaahijta lagu daro. Madaxweyne xigeenku waxa kale oo uu sheegay in aan siyaasiyiinta la aaminin isagoo yidhi; anigana iska kay ilaaliya.

Marwo Kaltuun X. Daahir, marwadii madaxweynihii geeriyooday ala haw naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa iyaduna soo xidhay munaasibaddaa, waxayna sheegtay inay ka mid ahayd ardaydii dhagax-tuurka samaynaysay iyadoo si kooban uga hadashay qiimaha iyo sida ay u xusuusan tahay maalintan.

Top


Ma Waxaad Is Moodeen, Mise Waxaad Tihiin

A.A.Garas

Maah-maah baa tidhaahda "Qof waliba halka uu u ambanayo wuxuu u maleeyaa guridoodii".

Halku-dhegaa waxa I xusuusiyey maqaal uu wargeyska Jamhuuriya ku baahiyey xaashidiisii cadadkeedu ahaa 1948 ee soo baxday Febarweri, 2003, maqaalkaas oo ciwaan looga dhigay "SOLJA waa urur saxaafadeed madax banaan oo ka balaadhan NGO shakhsi ku maxaafsado."

Saddar kale waxa la hoos dhigay "War-murtiyeed uu soo saaray ururka suxufiyiinta Somaliland", ka dibna inta uu gudoomiyaha wargeyska Jamhuuriya isku sawiray ayuu xagga hoose iskaga qoray gudoomiyaha ururka saxaafadda Somaliland.

Sida uu qofkii arkay xusuusto qoraalkaasi waxa uu jawaab u ahaa mawduuc uu qoray wargeyska Haatuf cadadkiisii soo baxay 19-kii Febarweri, mawduucaas oo uu kaga hadlay faragelin xukuumaddu ku samaysay madax banaanida saxaafadda.

Mawduuca Jamhuuriya qortay waxa lagu dafiray urur-saxaafadeed jira oo ah SSWJ, waxaana lagu sheegay urur la yidhaahdo SOLJA, laakiin anaga oo ah urursaxaafadeedka magaciisu yahay SSJW oo ah urursaxaafadeedkii ugu horeeyey ee Somaliland lagaga dhawaaqay xiligan, balse ma odhanayno waxaanu nahay urur keliya ee jira, sidoo kale mar dambe mooyee hadda ma jecli inaan jawaab ka bixiyo cay iyo meel-kadhac badan oo uu gudoomiyaha Jamhuuriya, hadana SOLJA ku xardhay min bogga u horeeya ilaa dhanxiir, isla markaana ixtiraam mooyaane canaan igama geyaan bah-weynta saxaafadda Somaliland ee ku filiqsan goobaha kala duwan ee warbaahinta, magacoodana tuurta kuma sito, laakiin hadii aan jawaab saaxiibtinimo ka bixiyo mawduuca Jamhuuriya baahiyey ee ay Wayab iyo Faysal afka u kala waaxeen.

Marka hore saaxiibayaal waad ismoodsiiseena mawduuca wargeyska Haatuf qoray wuxuu la hadlay xukuumadda Madaxweyne Rayaale, marka labaad waad iska qiirooteena maydaan ahayn afhayeenkii xukuumadda, marka saddexaad waad isu malayseene maydaan ahayn urur-saxaafadeedka keliya ee jira, mar afraadka ismaydaan eegine wax balaadh la yidhaahdaa idinkuma soo kordhin ee waxaad tihiin Faysal iyo Wayab, mar shanaadka malaa waanad garanayne NGO hadii uu yahay ururna waa yahay, mar lixaadka maxaafsi hadii uu ceeb yahay waadiga u qawdhamaya, mar toddobaadka been-abuur haduu jiro adigaa lagugu hubaa oo sheeganaya inay suxufiyiinta Somaliland oo dhami ku dooratay. Ugu dambayntii waa sidaad tidhaahdeene "aflagaado colaadna waxba kama tarto, nabadna way kaa kaxaysaa", laakiin idinkaa geystay afxumo, halkudhegyona isticmaalay.

Anaga oo aan dafirayn ururkiina, qirsana inaad tihiin koox ka mid ah suxufiyiinta Somaliland waxa iswaydiin leh su’aalahan:

Sida aad sheegateen hadii uu ururkiinu wakiil ka yahay dhammaan suxufiyiinta iyo saxaafadda Somaliland wa’ayo wargeysyada iyo cidda aad u jawaabaysaan, sidoo kale hadii aad tihiin ururka keliya ee jira waa maxay ururka kale ee aad dafiraysaan. Ta kale tolow yaa idiinku sheekeeyey idinkuna urur baad noqonaysaan, dadka kalena ma noqonayaan, sidoo kale sharcigee iyo xeerkaa baa dhigaya inu jiri karo urur keliya oo saxaafadeed. Sidoo kale marka xukuumadda la soo hadal qaado maxaad la muraaradilaacaysaan. Ta kale anshaxii aad ku dhadhabayseen maxaad naftiina ugu xukumi waydeen.

Dhamaan su’aalahaa oo ay iswaydiintoodu saaxiibadayo ku wacnaan lahayd, hadana inkasta oo ay labada saaxiib ee joornaalka isku sawiray aqoon ku baanayaan, muddo sharciga xog-ogaal ay noqon karaana saxaafadda ku soo dhexjireen, hadana jawaabtii ay qoreen waxa qoraalkooda ka dhadhamayey faqiirnimo aqooneed iyo saboolnimo sharci, taas oo uu qofkii akhriyaaba ka dareemayey anaaniyad xishoodku ku yar yahay, jahawareer iyo jawaab aan loo meel-deyin.

Su’aasha kale ee iswaydiinta lihi waxay tahay ereyada labadan saaxiib cajebiyey ee SOLJA garanay in urur ahaan loo rabo, laakiin waa hagaage yuu urur u yahay, yaanuse u ahayn, yaase yeelan kara urur, balse hadii aan dadka u fasiro waxa uu urur yahay.
Marka hore ururadu way kala taagan yihiin, laakiin urur-saxaafadeed waa midka ay samaystaan dad isku mihnad iyo isku dan ahi, waxayna u bahoobaan ilaalinta danahooda iyo xuquuqahooda, iyaga oo iska difaacaya cid kasta oo danahooda iyo xuquuqahooda ku gefaysa ama waxyeelaysa. 

Lama diidana urursaxaafadeedka hadii ay ku bahoobayaan kooxo ka shaqeeya saxaafadda Madaxa banaan iyo kooxo ka shaqeeya saxaafadda dawladdu gacanta ku hayso, laakiin marka hore waa inay suxufiyiinta bahoobaysaa shakhsiyaad isugu tagaan, marka labaadkana waa inuu ururku ka madax banaan yahay siyaasadaha iyo mabaadi’da kala duwan ee ay ku shaqeeyaan goobaha warbaahineed ee ay suxufiyiinta bahoobaysaa markaa kala hawl-galaan. Laakiin ururka SOLJA waxa uu u muuqdaa mid ay samaysteen dadka leh qaar ka mid ah hayadaha saxaafadda Madaxa banaan iyo madaxda hayadaha dawladda, waayo gudoomiyaha SOLJA waa Faysal Cali Sheekh oo ah gudoomiyaha wargeyska Jamhuuriya, kuxigeenkiisuna waa Maxamed Siciid oo agaasimaha idaacadda Raadyow Hargeysa ah, xoghayuhuna waa Wayab oo gudoomiyaha Al-xoriya ah iyo weliba wasiirka warfaafinta oo ah maareeyaha qarsoon, sidaa darteed waxay iswaydiintu tahay SOLJA ma urur dad baa, mise waa urur ay leeyihiin shirkado iyo hayado dawladeed oo isu tegay. Hase yeeshee ujeedooyinka aanu u aasaasnay ururka SSJW iyo xataa ujeedooyinka laga rabo in lagu saleeyo ururkasta oo saxaafadeed waa inay ujeedooyinkiisa kow ka tahay inuu suxufiyiinta ilaaliyo xuquuqdooda qoraal iyo shaqo, iyadoo ay taasi tahay in wax laga qabto wixii gefaf ah ee ay u geystaan shirkadaha ay u shaqeeyaan iyo xukuumadda, sidoo kale inuu ururku wax ka qabto wixii tacadi ah ee si aan xaq uga soo gaadha mihnadiisa iyo hadii uu isaga laftiisu geysto sameeyo xad-gudub dhinaca qoraalka ah. 

Sidoo kale urur-saxaafadeed waa inuu ka shaqeeyo ama u doodo horumarka suxufiga xag aqooneed, xag shaqo iyo xag nololeed-ba. Sidaa awgeed ururka xuquuqda suxufiyiinta ilaalinayaa ma ka ay samaystaan kuwii laga ilaalinayey xuquuqda suxufiyiinta ee weliba loo tirinayey inay geysteen gefaf dhinaca xuquuq shaqo ah, mise waa ka ay samaystaan kuwa gefafku ku dhacaan, hadiise ay ururka yeeshaan kuwii laga dacwoon lahaa, maxay noqonaysaa taasi, taas darteed ururka SSJW-na mabaadi’diisa ma aha, urur kalena uma arko inay madax ka noqdaan ragga caynkaas ahi xataa Haatuf.

Hadaba aniga oo saaxiibaday uga tudhaya inaan halkan kaga hadlo wax badan oo dhinaca gefafka xuquuqeed la xidhiidha, waxaanse leeyahay isku heli maysaan, anaguun baa urur noqon karna, anaguun baa dawladdu na aqoonsanaysaa.

Xukuumadda iyo wasiirkeeda firfircoon ee warfaafintana mid baan idhi isku heli maysid anigaa dawlad ah, hadana madax banaan, anigaa wasiir ah, hadana weriye ah, anigaa ururka samaynaya, anigaana aqoonsanaya, anigaa xeer ilaalinta waraaq u qoraya oo odhanaya urur aan ururkayga ahayn ha diiwaangelinina.

Ugu dambayn saaxiibaday waxaan leeyahay iska horkeenka suxufiyiinta iyo saxaafadda wax lib ah kuma ogin, idinkuna ka heli maysaan, cidda ka macaashtaana waxba idinkama siinayaan. Ta kale hadii aad isu qabtaan inaad saxaafadda wax u soo kordhiseen ogaada inaad idinka oo sheeganaya nimanka saxaafadda Somaliland oo dhan oo metela, hadana jawaabihiina ku weeraraya kuwii aad sheeganayseen wakiilnimadooda, laakiin anagu ma ogin horumara aad sheegteen, hadi aanu ahayn tafaraaruqii iyo caydii aad TV-yada isla taagteen hadhka cad, markaa saaxiibayaal aniga oo idinkala xishoonaya inaan idin idhaahdo waxaad tihiin niman afkooda oo keliya la arooray, sidii C/qaasin ha sheeganina dad aydaan dawlad u ahayn. 

Top


Ururka SAHAN Oo Sheegay Inuu Isu Taagayo Tartanka Madaxtinimada Somaliland

Hargeysa (Haatuf) Urur siyaasadeedka SAHAN ayaa sheegay inay isu sharaxayaan jagooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, waxayna sidaa ku sheegeen qoraal ay soo saareen arbacadii todobaadkan.

Qoraalkaas oo uu ku saxeexnaa xoghayaha abaabulka ururka SAHAN, C/Raxmaan Daahir waxa uu ururka SAHAN sheegay inay go’aansadeen inay ka qayb galaan tartanka doorashada madaxweynaha ee la filayo inay dalka ka dhacdo badhtamaha sanadkan.

Ururka SAHAN waxa uu ka mid yahay saddexda urur ee loo aqoonsaday inay ka baaqsadeen inay soo u baxaan doorashooyinkii dawladaha hoose ee dalka ka dhacay, laakiin waxay qoraalkooda ku sheegeen inaanu sharcigu ka maanacayn, inay u saftaan tartanka madaxtooyada maadaama ay yihiin urur siyaasadeed diiwaan gashan iyaga oo qoraalkooda ku daliishaday qodobo dhawr ah oo distoorka ah.

"Sida ku cadka qodobka 22aad farqadiisa 9aad muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerakani tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay in la doorto, waxna doorto" ayay ku yidhaahdeen qoraalkooda, laakiin iyaga oo cuskanaya qodobo kale oo qaynuuniya waxay yidhaahdeen "Qodobka 35aad, farqadiisa 9aad waxa uu xaq u siinayaa ururada diiwaangashan inay soo sharaxi karaan madaxweynaha, sidaa darteed ururka SAHAN wuxuu go’aansaday inuu ka qaybgalo tartanka doorashada madaxtooyada sida ku cad qodobka 35aad ee xeerka doorashooyinka.

Top


Wasiirka Ganacsiga Oo Beeniyay War Kusoo Baxay Jamhuuriya

Hargeysa (Haatuf) Wasiirka ganacsiga dawladda Somaliland Rashiid X. C/laahi Guuleed ayaa been abuur ku tilmaamay war ku soo baxay jariirada Jamhuuriya cadadkeedii soo baxay arbacadii todobaadkan, warkaas oo ka hadlayay bagaash tuulan dekedda Berbera, waxa uu wargeyska Jamhuuriya sheegay in dadka bagaashka sitay loo cashuuri waayay, iyadoo lagu xidhay ruqsad la’aan, laakiin wasiirka ganacsigu warsaxaafadeed uu shalay soo saaray ayuu ku sheegay inay taasi tahay been, isaga oo qoraalkiisa ku sheegay sida ay wax yihiin, wuxuuna wasiirku qoraalkiisa ku yidhi:

"Tixraac cadadkii Jamhuuriya 1947- ee soo baxay doraad kuna taariikhaysanaa 19/02/03, ee ku soo baxay maqaal uu qoray nin la yidhaahdo Maxamed Biid oo ah wariyaha wargeyska Jamhuuriya ee gobolka Saaxil uu ku xusay bagaash tuulan dekedda Berbera oo loo cashuuri waayay rukhsad la’aan kuna faahfaahiyay sababo been abuur ah kuna eedeeyay wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsiga oo uu isagu samaystay, waxaanu jecelnahay inaanu muwaadiniinta u cadayno xaqiiqada dhabta ah.

  1. Rukhsadaha ganacsiga inay qaataan muwaadiniintu waxa lagu baahiyay wargeysyada madaxa banaan, Raadyowga, Iyo TV-gaba, dhamaadkii sanadkii hore si ay ugu suurto gasho muwaadiniinta inay u diyaar garoobaan wareegtada ay wada jirka u soo saareen wasaaradda ganacsiga iyo wasaaradda maaliyadu oo lagu wargeliyay inay rukhsada ganacsiga u qaataan wixii ka badan (700$) alaabta ganacsatadu soo dajiyaan.

  2. Rukhsadda ganacsiga ee wax soo dejinta siduu xusay ma aha wariyuhu 1000$ lagumana qaado lacag adag sanadkii oo dhan ninkii rukhsad goostaa rukhsada soo dajintu waxay dhantahay 1,567,000 SL. SH.

Haddaba waxa looga digayaa wariyaha jariidada Jamhuuriya ee fadhigiisu yahay magaaladda Berbera inuu hubiyo warkuu dadweynaha u baahinayo intaanu qoraal ku gudbin oo been abuurku ka soo horjeedo mihnadda saxaafadda uu ku shaqaysto.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

"Mulkiyadda Khadra Xirsi Waa Foojari, Waana Tii 19aad Ee Sharci-Darro La Qabtay Ah"

Isu-Duwaha Wasaaradda Beeraha Burco

Burco (Haatuf): Isuduwaha wasaaradda beeraha gobolka Togdheer oo fadhigiisu yahay magaalada Burco, Maxamed Cabdi Maxamuud ayaa sheegay inay jiraan mulkiyado foojari ah oo ay dadka qaar u samaystaan dhul-beereed aanay lahayn, isaga oo sheegay inay waqtiqan xaadirka ah qabteen mulkiyaddii 19aad ee loo samaysto mulkiyada been-abuur ah, wuxuuna sidaa ku sheegay qoraal uu soo saaray 12-kii bishan, isaga oo ka jawaabaya qoraal ku soo baxay wargeyska Maandeeq oo ay qortay gabadh la yidhaahdo Khadra Caamir Xirsi oo isuduwaha beeraha Burco ku eedaysay inuu beer ay lahayd cid kale siiyey, laakiin qoraalka isuduwuhu arimahaa kaga hadlay isaga oo dhamaystiran wuxuu u qormaa sidan:

"Xarunta wasaaradda beeraha gobolka Togdheer, Burco waxay jawaab ka bixinaysaa maqaal ay gabadha la yidhaahdo Khadra Caamir Xirsi ku qortay Maandeeq iyo Jamhuuriya cadadyadii soo baxay 8/2/2003, taas oo ay gabadhaasi qortay inay madaxweynaha ka dacwaysay isuduwaha beeraha gobolka togdheer, iyadoo sheegtay inay isuduwaha ku dacwaysay beer ay ku lahayd magaalada Burco oo mulkiyadeeda hore loo siiyey inuu isuduwuhu dul-geeyey nin debedda ka yimi oo uu doolar kaga qaatay, madaxda sarsarena uu amarkoodii diiday, iska hor-keenna aan waddo, cuqaashiina aan amarkoodii diiday. Laakiin waxaan u cadaynayaa Madaxweynaha, Madaxweyne-xigeenka, golayaasha Qaranka, salaadiinta, wax garadka, culimo-udiinka, dhalinyaro iyo haween, axsaabta siyaasadda iyo hayadaha Madaxa banaan inaan eedayntaa Khadra Caamir igu eedaysay waxba ka jirin oo ay tahay been aan sal iyo raad toona lahayn, waayo marka hore dacwaddaasi waxay ku jirtaa maxkamadda gobolka Togdheer, waxayna ka dhexaysaa laba dhinac oo kala ah Khadra Caamir iyo dhinaca kale oo ah Carab Ducaale iyo Cali Xirsi, isla markaana wasiirka beeruhu wuxuu bixiyey amar ah inay dacwadaasi maxkamadda ku jirto oo loo daayo si ay go’aan uga soo saarto, waraaqda wasiirkuna waxay ku taariikhaysnayd 20-kii Jananweri, 2003. 

Maxkamaddu dacwadaa ku saabsan dhul-beereedka way I waydiisay, iyo labada mulkiyadood ee ay kala siteen labada dhinac, ka dibna maxkadda horteeda ayaa laygu dhaariyey, dabadeedna wixii aan ka ogaa ayaan ka furay, waxa kale oo aan sheegay in mulkiyadda ay ku qoran tahay Khadra Caamir ay tahay beend-abuur (Foojari) aan wasaaradda beeraha ka soo bixin, beertaana ay leeyihiin Carab Ducaale Cilmi iyo Cali Xirsi oo sifo sharci ah lagu siiyey 5/8/86, beertaasna uu dhulkeedu yahay 330 M oo bari iyo galbeed ah iyo 300M oo waqooyi iyo koonfur ah, 9,90 HA, lambar degmo: 881, lambar gobol: 1540, laakiin mulkiyadda Khadras Camir ee sawirkeedu halkan ku lifaaqan yahay, dhulku waa 5,6 HA, lambarka mulkiyaduna waa 1235, lambarka diiwanka degmada, 1104, lambarka gobolka 0218. Taariikhda la siiyeyna waa 06/04/83-kii.

Mulkiyadda Khadra Caamir ee ay tafaasheedu kor ku xusan tahay waxaan idiin cadaynayaa inay tahay been-abuur, sida aan maxkamadda ka cadeeyeyna lambarada mulkiyadda ku qorani waa wada been-abuur, qalinka mulkiyadda lagu qorayna waa been-abuur.

Waxa kale oo aan cadaynayaa inay wasaaraddu hayso diiwaanadii hore ee ka horeeyey 27/5/88 koobiyadii mulkiyadaha iyo faylashii kaleba, markaa cidii wax lihi diiwaanadaa ayey ku jirtaa, laakiin iskama lihin waa foojari, waana mulkiyaddii 19aad ee foojari ah ee dhulbeeraad dad leeyahay loo samaysto, Khadra Caamirna waa dadka dhil-boobka ah ee dhul-beereedka dadku leeyahay ku qabsada intii dalka la soo galay 1991-kii ka dib, gabadhaasina keligeed ma aha ee waxa dabada ka wada rag Qaranka xilal sare ka haya iyo oo beesha ah iyo kuwa cuqaal sheegto, balse maxkamadda ayaa awood u leh oo go’aan ka soo saari doonta, sidaa darteed hadii aan cadaalad daro ku sameeyey maxkamadda ayey ka soo bixi doontaa, iyadoo aanay jirin wax cadaalad daro ah oo aan ku sameeyey, waxaana codsanayaa in arimaha noocaas ah ee foojariga ah wax laga qabto si aanay nabadgelyo xumo u dhicin.

Waxa kale oo aan wasaarad ahaan idiinka codsanayaa in cidii doonta mulkiyadda Khadra Caamir saacadaha xafiisku furan yahay aanu tusi karno iyo diiwaanada beeraha gobolka iyo degmada oo ay halkaa ka heli karaan xaqiiqda ah sida aanu sheegnay".

Top


Qaska Halaga Daayo Suuqa Gobonimo

Anaga oo ah ganacstada suuqa gobonimo kana wakiil ah ilaa 50 qof oo rag iyo dumarba leh ayaa waxaa beryahan dambe ka jira suuqaasi aanu ku ganacsano xasaasiyad iyo qas ay kicinayaan dad aanu u aragno inay dano gaar ah leeyihiin ayna doonayaan inuu suuqaasi noqdo magaalo.

Waxaanay dadkaasi ka faa’iidaysanayaan khilaaf yar oo soo dhexgalay gudiga maamusha suuqa gobonimo oo ah wax basiid ah, isla markaasina nimankaasi waxay heleen gurayhoodii isla markaana waxay doonayaan inay rabshad iyo qalalaase galiyaan guryaha uu dhismahoodu socdo ee ay dawladdu u dhisayso.

Markaa waxaanu leenahay halaga daayo qaska suuqaasi la maaganyahay nin helay gurigiisa oo si miyir qabta ha u dego, dawladda iyo shicibkuna yaanay u arkin in rabshadi ka taagantahay suuqa gobonimo.

Maxamed Cali Cabdi
Axmed Cabdi Cumar
Hargeysa

Top


Xuska Dhagaxtuurkii Hargeysa Iyo Burco

Ma duugawdo taariikhda waxay shalay ku beegnayd sanad guuradii 21aad ee dhagax tuurkii Hargeysa taas oo ay qurux badan tahay inaynu u calaamadino maalinta ardayga Somaliland xusuustan qiirada xambaarsan ayaa muddadii 10-ka sano ahayd ee aynu qaranimadeedii luntay 60-kii la soo noqonay ayaan waxba laga soo qaadin, marka laga reebo taaladda ka samaysan dhagaxa (Marble) ama marmarka oo kooxdii (UFFO) ka taagtay maxkamadda gobolka Hargeysa horteeda halkii taariikhdan oo kale lagu dari lahaa manhajka waxbarashada waddanka, haddaba 20/02/03 oo kale dhagax tuur taariikhdu markay ahayd 20/02/1983 waxa ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco dhagax tuurkaas oo lagu taageerayo dhalinyaro la xidhxidhay oo isugu jiray macalimiin, dhakhaatiir, ganacsato, maalqabeeno iyo indheer garad, kuwaas oo samaystay urur samafal si ay u dayac tiraan cusbitaaladda iyo dugsiyada waqooyiga oo xaaladoodu liidatay.

Ka dib markii ay galeen shirar goos goos ah waxay go’aansadeen inay ka hirgaliyaan hawshaa nidaam iska wax u qabso ah.

Dhalinyaradaasi waxay ku wargaliyeen dawladda si ay gacan uga helaan, waxaa kale oo ay dawladda u sheegeen in ururkoodu ka madax banaan yahay siyaasadda. Muddo yar ka dib ciidanka dhabar jabinta ayaa ku eedeeyay galida iyo taageerida urur xaaraan ah, abaalkoodii waxa laga dhigay in la xidhxidho oo la garaaco.

Dhagax tuurku wuxuu soconayay afar maalmood isaga oo u gudbay magaaladda Burco waxa ku dhintay 23 arday dhawr boqol oo qof ayaa iyana lagu xidhxidhay Hargeysa iyo Burco 28/02/1983-kii waxa maxkamadda badbaadada ee gobolka waqooyi galbeed la soo taagay 28 dhalinyaradaasi ka mid ah.

Siday qoreen ururka u dooda xuquuqda aadamiga ee "Amnesty International" waxa uu liisku ka koobnaa 38 dhalinyaro ah, kuwaas oo 28 ka mid ah magacyadooda iyo xukunkoodu kala ahaa:

1. Maxamed Sheekh Cali
2. Dr. Amiin
3. Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi
4. Aadan Yuusuf Abokor
5. Cismaan Maygaag
6. Axmed Xuseen Caabi
7. C/Laahi Cali Yuusuf
8. Maxamed Sh. Xasan Taani
9. Colaad Cali
10. Xuseen Axmed Ducaale
11. Maxamed Cabdi Jiciir
12. Yuusuf Cabdi Khain
13. Axmed Maxamed Yuusuf (Jabaani)
14. Maxamed Baaruud Cali
15. Aadan X. Warsame Siciid
16. Cumar Ciise Cawaale
17. Maxamed Cali Ibraahim
18. Cali Cige Faarax
19. C/Raxmaan Masale
20. Dayib Dagal
21. Xuseen Barbaraawi
22. Maxamed X. Cabdi
23. Baashe Cabdi Yuusuf
24. Salaad Cali Yaasiin
25. C/Raxmaan Axmed
26. Maxamed Cali Faarax
27. Xasan Cali Gayeh
28. Yuusuf Cabdi Gaydh
29. Axmed Maxamed Madar
30. Maxamed Dagal Xirsi
31. Aadan Xuseen Rooble

Dhalinyaradaa 21-ka ah waxa lagu xukumay xabsi u dhaxeeya saddex sanno xabsi daa’im waxaana la geeyay xabsi ku yaala Baydhabo oo la yidhaa "Labaatan jirow" intii hadhayna waa la sii daayay.

Maxkamadda xukuntay dhalinyaradaa waxa garsoore ka ahaa col: shariif shiikhanaa maye.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu ahaa Capt. C/laahi Calii markhaatiyaashu dhamaantood waxay ahaayeen xooga dalka iyo ciidanka nabad sugida ee "NSS" dhalinyaradaa waa loo diiday inay qabsadaan qareen u dooda.

Odayaasha reer wax badan ayay u doodeen in la sii daayo dhalinyaraddaa hase yeeshee dhag jalaq looma siin.

Weeraradii SNM cadhadii shicibka iyo aargoosigii faqashta taliskii siyaad barre waa loo adkaysan kari waayay dhibaatadiisii.

Ciidamada SNM iyaguna waxay bilaabeen weeraradoodii ku dhisnaa habka "guerilla fighting" ku dhufoo ka dhaqaaq iyaga oo bar tilmaameed ka dhiganaya meelaha ciidamada faqashtu joogaan.

Ciidamada dagaal yahanka SNM waxay galeen magaalada Hargeysa waxaanay dileen xoghayihii degmada Hargeysa iyo ganacsade mareexaan ah, sidoo kale waxay bilaabeen kicintii dadka magaalada Hargeysa waxa ka soo bixi jiray saddex wargeys sida UFFO, SNM, iyo Somali Uncensored oo lagu qori jiray gabayo heeso warar iyo hal ku dhegyo lagaga horjeedo taliskii siyaad bare.

1984-kii ciidamada SNM waxay qaadeen weeraro badan sida dagaalkii buuraha faqashta oo mar kasta ka aargoosata shicibka waxay maalin qudha ku dileen magaalada Burco 44 qof, magaaladda hargeysana laba cisho oo isku xiga ayay ku dileen 90 qof.

Dhamaadkii bishii October 1984-kii todoba arday oo da’doodu ka yartahay 18 sano ayaa lagu qabtay laguna xukumay dil, ardayda oo lagu eedeeyay inay ka qaybgaleen mudaaharaad lagaga soo horjeedo taliskii siyaad barre, waxa ka mid ahaa Maxamed Aw Cabdi "Faras-ka cad" Xasan Dubad, Alf Ibraahim Kooshin iyo Axmed.

Dilkaa lagu xukumay shacbiga reer waqooyiga xoog ayay uga damqadeen, dabadeed laba nin oo u dhashay gobolka oo kala ah:

Cawil Aaden Cadami, iyo Diiq Muuse ayaa afduubay diyaarad ay leedahay Somali Airlines, waxaanay fadhiisiyeen Addis Ababa Itoobiya si ay ugu baraarujiyaan bulshada soomaaliyeed iyo dunida inteeda kale sida taliska siyaad barre ugu talax tagay xuquuqda aadamiga iyo ta carruurta oo ka xasaasisan.

Inkastoo taliskii Siyaad cadaadis la saaray gudaha iyo dibadaba si aan loo dilin carruurtaa, haddana Cabdi Dhamac oo ka mid ahaa carruurtaa markiiba waa la dilay, laba kamid ah oo kala ah, Kanadi Iyo Bidhiidh, waxay ka baxsadeen jeelka Mandheera intii kalena waa la sii daayay markii ay soo dhex galeen Amnesty International iyo The Italian Acadamy of Sciences 31/03/1986 waxaa maxkamadda badbaadada qaranka la soo taagay koox arday ah oo lagu soo eedeeyay inay hub SNM ay ku adeegto ay soo galiyaan magaaladda Hargeysa kuwaas oo kala ahaa.

  1. Axmed Cabdi Cumar -Dil

  2. Siciid Daahir Jaamac -Dil

  3. Xasan Cismaan Cumar- Dil

  4. Cabdi Daahir Caynaashe -Dil

  5. Safiya Xaashi Madar Xabsi daa’im

  6. Fihiima Daahir Jaamac -Xabsi daa’im

  7. Ilyaas Qase Faarax- Xabsi -daa’im

  8. Cismaan Caydiid Cilmi -30sano

  9. Umayma Aadan Cumar -15sano

  10. Cumar Ismaaciil -5sano

  11. Cali Rooble -5sano

Waxa dhici jirtay magaalooyinka waaweyn ee waqooyiga in habeen kasta mid ama la toogan jiray taas oo noqotay wax caadi ah.

Dabayaaqadii bishii May Mujaahidiinta SNM waxay kala baxeen jeelka Hargeysa laba mujaahid oo dil ku xukunaa.

Mujaahid Sulub Cali iyo Mujaahid Yuusuf Maxamed kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii Col: Axmed Aadan oo ahaa taliyihii ciidanka nabad sugida gobolka waqooyi galbeed. Ciidamada dagaalyahanka SNM waxay xerada wayn ee birjeex kala baxeen Col: C/laahi Askar sidoo waxay dagaal sida duufaafnka ah ku hilaaciyeen jeelka mandheera iyaga oo ka sii daayay boqolaal qof oo isugu jira caaqil, salaadiin, tjaar, ganacsato ah arday iyo macalimiin iyo aqoonyahano.

Laga bilaabo sanadihii sideetamaadkii taliskii Siyaad Barre gobolka waqooyiga baabuurta way la wareegi jireen, lacagta way dhici jireen, bakhaaradda raashinka iyagaa raran jiray oo dhici jiray ilaa ragga naagahoodii yidhaahdeen waa xalaal in ninkeedii ayaa noqday qudhmis. Waxa la dhiiri galiyay qabyaaladda waraaqaha rasmiga ah ee dawladda waxa lagu bilaabi jiray "Ragga magaaladda u dhashay.

Maxamed Axmed Maxamuud "Barre Adduunyo"
Hargeysa

Top


IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid Guraase

Xulashada Asaxaabtii Rasuulka Scw: Abu Ayuub Al-Ansaari

Saxaabigan sharafta badan ee aan sheekadiisa qaadanayno magaciisa waxaa la yidhaahdaa Khaalid Binu Zeyd Binu Kuleyb, wuxuu ka dhashay qabiilka reer Banii Najjaar. Naanaystiisu (carabta qofka ay sharfayso ayaa waxay ugu yeeri jirtay magaca wiilkiisa curadka ah, waana dhaqan carbeed) waa Abuu Ayuub Al-Ansaari oo ah Ayuub aabihiis, waxaana loogu abtiriyaa Ansaarta.

Haddaynu nahay bahweynta muslimiinta, waa kuma qofka aanan aqoonin saxaabiga Abuu Ayuub Al-Ansaari?!. Wuxuu Eebbe (sw) magaciisa ku koryeelay dunida bariga iyo galbeedkiisa, wuxuu Ilaah dadka ka sareysiiyay kolkii uu gurigiisa ka doortay guryaha muslimiinta si uu u dego Nebigii (scw) sharafta badnaa, kadib markii uu yimid magaallada Madiina isagoo muhaajir ah, dhab ahaantiina taas ayaa Abuu Ayuub Al-Ansaari ugu filan sharaf iyo wanaag. 

Degitaanka uu Nebiga (scw) soo degay guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari ayaa waxaa ku jirta sheeko aan laga xiiso dhigaynin soo noq-noqashadeeda. Sababtuna waa iyadoo markii uu Nebiga (scw) yimid magaallada Madiina, ayaa waxaa Nebiga (scw) soo dhoweeyay dadkii degganaa Madiina soo dhoweyn iyo maamuusid tii ugu sharfta badanayd. Waxay Rasuulka (scw) ku eegeen indho kalgacalo iyo naxariis, iyadoo ay ku faraxsan yihiin imaanshaha Rasuulka. Sidoo kale waxay u fureen laabtooda si kash iyo laab ah, iyagoo albaabada guryahoodiina ay ballaqeen oo ay u fureen Rasuulka (scw) si uu Xabiibka (scw) ugu dego isagoo la sharfay. 

Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuxuu ku hakaday xaafadda la yidhaahdo Qubaa oo ku tiillay hareeraha magaallada Madiina, wuxuuna halkaa ku negaaday 4 maalmood, isagoo dhisayna Masjidkii ugu horeeyay ee lagu dhiso Islaamka. Intaa dabadeed, wuxuu Rasuulka baxay isagoo saaran hashiisa, waxaa waddadii magaallada Madiina istaagay madaxdii iyo odayadii magaallada Madiina, iyagoo mid kasta uu doonayo inuu ku guuleysto sharafta degista Rasuulka (scw) uu ku degayo gurigiisa. Odayadaa waxay midba midka kale uu u hormari jiray hasha, waxayna Rasuulka (scw) ku odhanayeen markaas: "Rasuulka Alloow annaga agtayada soo dega, waxaana na weheliya tiro dad ah, hub iyo dagaalyahanno kaa difaaca qofkii xumaan kula maaga". Rasuulka (scw) ayaa wuxuu dadkii ku odhanayay: " hashan faraha ka qaada, maxaa yeelay waxay ku socotaa amar xagga Rabbi (sw) kaga yimid."

Waxay ahayd hashu tii iska socota, iyadoo weliba ay raacayso indhaha dadka. Haddey hashu gudubto guri waxaa murugoonayay dadkii degganaa gurigaas oo waxaa ku dhacayay quus, halka farxad iyo yiddiddiilo weyn ay gelinaysay kuwa iyaga aynan weli hashuu gudbin guryahooda. Waxay socoto hashii, dadkiina ay daba guurayaan oo ay daba socdaan iyagoo kalgacalo la huraya ogaanta ninka nasiibka badan ee ay gurigiisa ag fadhiisan doonto hasha, ayaa waxay markii danbe hashii soo gaadhay meel bannaan oo ku aaddan guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari, halkaas ayeey hashiina fadhiisatay. Hase yeeshee Rasuulka (scw) weli kama aanu degin hasha. Wax yar maba aynan sii fadhiyin hashii, jeer ay haddana boodday oo istaagtay oo socotay, Rasuulkana (scw) uu u raariciyay hoggaankeeda. Haddana, waxyar kadib hashii way soo laabatay oo waxay fadhiisatay meeshii ay hore u fadhiisatay. Markay arrintu halkaas mareyso, ayaa waxaa farxad weyn buuxisay laabtii Abuu Ayuub Al-Ansaari, wuxuuna u deg degay xagga Rasuulka (scw) isagoo soo dhoweynaya. Alaabtii Rasuulka (scw) ayuu qaaday isagoo uu horsocdo Rasuulka, isagoo la moodo inuu sido waxa keyd hanti ah ee dunida yaala oo dhan. Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu yimid gurigiisa, iyadoo uu la socdo Rasuulka (scw). 

Guriga Abuu Ayuub wuxuu ka koobnaa labo dabaqadood, mid hoose iyo mid sare. Dabaqii sare ayaa wuxuu ka soo faaruqiyay alaabihii ku jiray, si uu u dejiyo Rasuulka (scw) iyo reerkiisa. Hase ahaatee, Rasuulka (scw) wuxuu jeclaystay inuu dego dabaqa hoose ee guriga, Abuu Ayuub-na wuxuu u hoggaansamay rabitaankii Rasuulka (scw) oo wuxuu dejiyay meeshii uu jeclaystay. Habeenkii markii la gaadhay, Rasuulka (scw) uuna seexday, Abuu Ayuub iyo afadiisana ay koreen dabaqii sare ee guriga ayna albaabkooda soo xidheen ayaa Abuu Ayuub soo jaleecay afadiisa isagoo ku leh: "inkaar qabto maxaynu sameynay?! Ma Rasuulka (scw) ayaa noqonaya kii naga hooseeya, innaguna aynu noqono kuwo ka sarreeya?! Ma waxaynu dul soconaynaa Rasuulka (scw) dushiisa?! Ma waxaynu u dhaxeynaynaa waxyiga iyo Nebiga (scw)?! Haddeynu sidaas sameyno waynu halaagsamaynaa". Abuu Ayuub iyo xaaskiisa way qoomameeyeen, iyagoo aynan garanaynin waxa ay sameyn doonaan. 

Naftoodii waxa ay xoogaa yar ku xasishay kolkii ay u bateen koonaha qolka ay ku jireen, kaasoo aanan ku beegnayn Rasuulka (scw) dushiisa. Meeshii ayeey isaga jireen iyagoo iska ilaalinaya markasta inay socdaan meesha dhexda ah. 

Subixii markii la gaadhay wuxuu Abuu Ayuub ku yidhi Rasuulka (scw): "labo indhood isuma aynan geynin xalay anniga iyo Ummu Ayuub-ba". Rasuulka (scw) ayaa weydiiyay sababta ay arrintaas ku timid, wuxuuna Abuu Ayuub ugu jawaabay: "waxaan soo xasuustay inaan saaranahay qol aad adiga naga hoosaysid, waxaan kaloo xasuustay haddii aan dhaqdhaqaaqo in boorku kugu soo daadanayo, oo aan markaas ku dhibo, dhinaca kale waxaan kala dhex galay adiga iyo waxyiga". Rasuulka (scw) ayaa yidhi: "naftaada u tudh Abuu Ayuubow, innaga waxaa noo sahlan xagga hoose, dadka badan ee na soo booqanaya awgood."

Abuu Ayuub wuxuu yidhi, waxaan u hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw) jeer laga soo gaadho habeen qaboow. Waxaa jabtay jalxad aynu lahayn, dabadeedna biyihii ku jiray ayaa qolkii sare ku daatay. Anniga iyo xaaskayga waxaan u istaagnay sidii aan u qallajin lahayn biyaha, mana aanan haysan habeenkaas wax aan ka ahayn khatiifad yar oo noo ahayd buste oo kale. Khatiifaddiidii yareyd ayaa waxaan bilownay inaan biyihii ku qallajino, si biyihii aynan u gaadhin Rasuulka (scw), sidaasna ayeynaan habeenkaana u seexan. Abuu Ayuub wuxuu yidhi, markii uu waagii baryay ayaa waxaan ku soo kallahay Rasuulka (scw), waxaana ku idhi, Aabahay iyo hooyaday lagugu furaye Rasuulkii Allow waan dhibsaday inaan saarnaado dabaqa sare, adiguna aad degganaato xagga hoose, intaa dabadeed waxaan uga sheekeeyay sheekadii jalxadu jabtay xalay, Rasuulka (scw) wuu iga aqbalay codsigaygii wuxuuna u soo guuray dabaqii sare, anniga iyo Ummu Ayuub-na waxaan u soo guurnay dabaqii hoose. 

Rasuulka (scw) wuxuu degganaa gurigii Abuu Ayuub Al-Ansaari muddo ku dhow todoba billood, jeer laga dhammeystiro masjidkii Nebiga, meeshaasoo ay ahayd meeshii markii hore ay fadhiisatay hasha. Qolalkii masjidka uu lahaa ayuu Rasuulka (scw) u guuray isaga iyo xaasaskiisaba. Abuu Ayuub iyo xaaskiisuba waxay jaar la noqdeen Rasuulka (scw). Labo deris noqdo ku wanaag badanaa Abuu Ayuub iyo Rasuulka (scw). Abuu Ayuub Al-Ansaari Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) jeclaaday jaceyl hantay qalbigiisa iyo dhuuxiisaba, dhinaca kale Rasuulka (scw) ayaa isna jeclaaday Abuu Ayuub, wuxuuna marka uu guriga Abuu Ayuub yimaado uu Rasuulka (scw) u dhaqmi jiray sida gurigiisa oo kale. 

Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa sheekeeyay isagoo leh: waxaa goor duhur ah masjidka soo tagay Abuu Bakar Assiddiiq Ilaah ha ka raalli noqdee, waxaa arkay Cumar Binu Khadaab, wuxuuna ku yidhi "Abuubakarow saacaddan maxaa ku soo bixiyay?!".

Abuubakar ayaa yidhi, gaajo daran oo i haysa waxaan ka ahayn ima soo saarin. Cumar ayaa misna yidhi, annigana Ilaah ayaan ku dhaartaye gaajo daran waxaan ka ahayn ima soo saarin. Goor ay Abuubakar iyo Cumar ay isla taagan yihiin ayaa waxaa ku soo baxay Rasuulka (scw) wuxuuna weydiiyay waxa soo saaray saacaddan iyada ah, waxayna yidhaahdeen: "wallaahi ayaan ku dhaaranaye, nama soo bixin aan ka ahayn gaajo daran oo na haysa awgeed" Nebiga (scw) ayaa wuxuu yidhi "annigana -waxaan ku dhaaranayaa Allaha ay naftayda labadiisa gacmood ay ku jirto-inaynan i soo saarin waxaan gaajadaas ahayn, ee i soo raaca."

Marti gelintii iyo maamuuskii Abuu Ayuub ee Rasuulka (scw), Abuubakar iyo Cumar-ba
Rasuulka (scw) oo ay weheliyaan Abuubakar iyo Cumar ayaa waxay yimaadeen albaabkii guriga Abuu Ayuub Al-Ansaari, wuxuuna Abuu Ayuub maalin kasta Rasuulka ugu talo geli jiray cunto, haddii uu soo raago Rasuulka oo aanu cuntadii u iman, wuxuu cuntadii Abuu Ayuub siin jiray reerkiisa. Markay soo gaadheen albaabkii Abuu Ayuub ayaa waxaa iridka ka furtay xaaskii Abuu Ayuub, iyadoo leh "Nebigii Ilaah iyo inta la socotaba ha soo dhowaadeen". Rasuulka (scw) wuxuu Ummu Ayuub weydiiyay inuu joogo Abuu Ayuub, durbadiiba codkii Nebiga waxaa maqlay Abuu Ayuub oo waqtigaas ka shaqeynayay beer timireed uu lahaa, kuna tiillay meel gurigiisa u dhow. Isla markiiba intuu soo qaabilay Rasuulka (scw) isagoo leh: "Rasuulka Alle iyo inta la socotaba ha soo dhowaadeen" Wuxuuna intaa raaciyay "Nebigii Alloow waqtigan ma aha waqtigii aad iman jirtay". Rasuulka (scw) wuxuu yidhi "waa runtaa," dabadeedna Abuu Ayuub wuxuu u kacay beertiisa isagoo soo gooyay rucub timir ah oo weliba bislaatay. 

Nebiga (scw) ayaa ku yidhi, ma aanan jeclayn inaad laantoo dhami goyso, maad noo soo gurtid oo kaliya timirta. Abuu Ayuub wuxuu yidhi, Rasuulkii Allow waxaan jeclaystay inaad rucubta ka goysatid timirtiisa, hoobaantiisa iyo yacyacoodkiisaba, intaasoo kaliya maahee, waxna waan idiin gowracayaa. Rasuulka (scw) wuxuu yidhi: "haddaad neef gowracaysid ha gowracin neef irmaan."

Wuxuu Abuu Ayuub soo saaray neef orgi ah, wuuna gowracay, wuxuuna xaaskiisa ku yidhi, intaad qoosh qooshtid waxaad noo dubtaa loxoox ah, adigaana ku fiican dubista muufada. Abuu Ayuub wuxuu qaaday jeex ka mid ah neefkii orgiga ahaa, markaasuu kariyay, jeexii soo hadhayna wuu soley. Raashinkii markii uu bislaaday, lana soo hordhigay Rasuulka (scw) hortiisa isaga iyo labadiisa saaxiib (Abuubakar iyo Cumar), ayaa wuxuu Rasuulka (scw) qaaday cad ka mid ah hilibkii, ka dibna wuxuu cadkii geliyay kibistii ama muufadii dabadeedna wuxuu Abuu Ayuub ku yidhi, intan waxaad ula deg degtaa gabadhii yareyd ee aan dhalay ahaydna Fadumo, maxaa yeelay ma aynan dhadhamin/cunin cadkan oo kale muddo hadda dhowr maalmood laga joogo. 

Rasuulka (scw), Abuubakar iyo Cumar markii ay cuneen raashinkii ayna dhargeen, ayaa wuxuu Nebiga (scw) yidhi: "laxoox, hilib, timir, yacyacood iyo hoobaan!!" ilmo ayaa ka soo daadatay, kadibna wuxuu yidhi: "Allaha naftayda ay gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye waxaan (nimcadan) waa nimcada xaggiisa la idinka weydiinayo maalinta qiyaamada, ee haddaad heshaan nimcadan oo kale oo aad gacmaha la gashaan waxaad tidhaahdaan Bismillaahi (magaca Alle ayaan ku billaabay), markaad dheregtaana waxaad tidhaahdaan Al-xamdulillaah (mahad oo idil Alle ayeey u sugnaatay) Allihii na dhargiyay ee nimcadiisa nagu galladaystay, intaa kadib Rasuulka (scw) wuu kacay, wuxuuna Abuu Ayuub Al-Ansaari ku yidhi noo kaalay berito. Waxaa Rasuulka (scw) dabeecad u ahayd oo uu jeclaa in qofkii ixsaan u fala inuu wanaag ugu abaalgudo. Abuu Ayuub ma aanu maqlin hadalkii Rasuulka (csw), hase ahaatee Cumar Binu Khadaab ayaa ku yidhi: "Abuu Ayuubow wuxuu Rasuulka (scw) ku farayaa inaad u timaadid berito". Abuu Ayuub Al-Ansaari ayaa Rasuulka (scw) ku yidhi: "maqlay oo aqbalay Rasuulkii Allow."

Rasuulka (Scw) Oo Abuu Ayuub Guddoonsiiyay Abaal Gud
Maalintii danbe markii la gaadhay, wuxuu Abuu Ayuub Al-Ansaari tagay gurigii Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) abaalgud ahaan Abuu Ayuub u siiyay gabadh yar oo Rasuulka shaqaale u ahayd, wuxuuna kula dardaarmay inuu u wanaag falo, wuxuuna ku yidhi: "Abuu Ayuubow gabadhan wanaag kula dhaqan, maxaa yeelay intii ay nala joogtay kuma aanan arag wax aan kheyr ahayn". Abuu Ayuub wuxuu u laabtay gurigiisa, isagoo ay la socotana gabadhii shaqaalaha ahayd, kolkii ay aragtay afadii Abuu Ayuub Al-Ansaari waxay Abuu Ayuub weydiisay: "gabadhan ayey shaqaale u tahay?!". Abuu Ayuub wuxuu yidhi annaga ayeey noo khidmaynaysaa.., waxaana na siiyay Rasuulka (scw). Ummu Ayuub oo ahayd afadii Abuu Ayuub ayaa iyadoo faraxsan waxay tidhi: "ku sharaf badanaa mid wax bixiya (waa Nebiga (scw), ku sharaf badanaa wax la isa siiyo (waa gabadha)". Abuu Ayuub wuxuu xaaskiisii ku yidhi, laakiin wuxuu Rasuulka (scw) inoo dardaarmay inaan wanaag kula dhaqano. Ummu Ayuub ayaa tidhi, sideen gabadha ugu ixsaan fali karnaa si aan ka fulino dardaarankii Rasuulka (scw)?

Wuxuu Abuu Ayuub yidhi, wallaahi ayaan ku dhaartaye ma arko wax uga kheyr badan fulinta dardaarankii Rasuulka (scw) aan ka ahayn inaan gabadha xoreyno. Ummu Ayuub ayaa tidhi: "waxaa lagu waafajiyay sidii toosnayd, waxaadna tahay mid xaqa la waafajiyay", sidiina ayuu Ayuub gabadha ku xoreeyay. 

Weligii Kama Aanu Hadhin Duulimaadyada Jihaadka
Waxaan soo qaadanay qaybtii nabadeed ee nolosha Abuu Ayuub Al-Ansaari, haddii aad xoogaa yar milicsatid inaad is-dul-istaagtid qaar ka mid ah noloshii Abuu Ayuub ee dhinaca dagaalka waxaa hubaal ah inaad arkaysid wax lala yaabo. Abuu Ayuub Al-Ansaari noloshiisa oo dhan wuxuu ku jiray duulimaad dagaal, jeer lagaba yidhaahdo: "weligii kama aanu hadhin duulimaad ay muslimiinta qaadeen laga soo billaabo xilligii Rasuulka (scw) uu noolaa ilaa laga gaadho xilligii Mucaawiya, illaa inuu duulimaad kale kaga mashquulo mooyaane". Duulimaadyadiisii ugu danbeeye waxay ahayd kolkii uu Mucaawiye diyaariyay ciidankii uu hoggaaminayay wiilkiisii la odhan jiray Yaziid, si loo furto magaallada Qisdandiiniya (waa magaallada hadda la yidhaahdo Istanbuul), waqtigaas iyada ahna Abuu Ayuub wuxuu ahaa oday waayeel ah oo da’diisu ay wax yar u jirto siddeetan jir (80), sidaas oo ay tahay waayeelnimadkiisa kama aanu reebin inuu ku biiro ciidanka uu hoggaaminayay Yaziid, iyo inuu dhex jeexo hirarka badda isagoo Alle dartii u duulaya. 

Hase ahaatee wax yar kadib maba aanu u sii dhaqaaqin dhinacii cadoowga jeer uu ka xanuunsado Abuu Ayuub Al-Ansaari bukaankii uu la dhiman lahaa, waxaana isagoo booqanaya u yimid Yaziid oo ahaa hoggaamiyihii dagaalka, wuxuuna ku yidhi: "ma jiraan wax aad u baahan tahay oo aynu kuu fulino?". Abuu Ayuub ayaa yidhi, marka hore waxaad igu salaantaa ciidamada muslimiinta, waxaadna ku tidhaahdaa: "Abuu Ayuub wuxuu idiin dardaarmayaa inaad gudaha u sii gashaan cadoowga dhulkiisa jeer aad ka gaadhaan yoolka aad tiigsanaysaan meesha ugu fog, sidoo kale wuxuu Abuu Ayuub idiin dardaarmayaa inaad xanbaartaan oo uu idin raaco iyo inaad ku aastaan gommodyadiina hoostooda oo ah deyrka ama derbiga meesha la yidhaahdo Qusdandiiniya, neeftii ugu danbeysayna ayaa ka soo baxday.

Ciidamadii muslimiinta waxay yeeleen wixii uu jeclaa saaxiibkii Rasuulka (scw), waxay dagaalamaan oo ay ciidankii hadba rogaal celiyaan ilaa ay markii danbe ka gaadheen magaalladii Qusdhandhiiniya deyrkeedii, weliba iyagoo sida oo wada Allaha ka raalli noqdee Abuu Ayuub Al-Ansaari, halkaas ayeeyna u qodeen qabri, dabadeedna ku aaseen qabriga. 

In la furanayo magaallooyinka Qusdandiiniya iyo Roma waxaa sii sheegay Nebiga (scw), furashada magaallada Qusdandiiniya waa la arkay oo waxaaba furay halyeeygii geesiga ahaa ee Muxammad Al-Faatix Allaha u naxariistee, waxa hadhay waa furashada Roma, iyadana waa tii la furto idinka Alle. 

Ilaah ha u naxariisto Abuu Ayuub Al-Ansaari, maxaa yeelay wuxuu diiday illaa inuu ku dhinto fardaha dheereeya ee qiimaha badan dushooda isagoo u duulaya jidka Alle, waxayna maalintaas da’diisa ku dhoweyd 80 sanno.

Top


WAADIGA CIYAARAHA

C/Fataax M. Caydiid

Kooxaha AC Milan, Real Madrid Iyo Man United Oo Guulo Ka Gaadhay Tartanka Horyaalka Yurub, Halka Ay La Kulmeen Khasaare Kooxaha Deportivo Iyo Juventus

Kooxaha AC Milan, Real Madrid Iyo Man United Oo Guulo Ka Gaadhay Tartanka Horyaalka Yurub, Halka Ay La Kulmeen Khasaare Deportivo iyo Juventus

Habeen Arbacadii toddobaadkan, waxa uu ahaa habeenkii labaad ee ay Kooxaha ku Tartamaya Horyaalka Yurub ay iskaga horyimaadaan ciyaaro aad heerkoodu u sareeyay, iyadoo qaar la kulmeen khasaare qaar kalena ku guulaysteen guulo aad qiimo ugu lahaa dhinacooda.

Kooxaha waaweyn ee ugu cadcad Tartanka Horyaalka Yurub ee sannadkan, sida AC Milan, Real Madrid iyo Manchester ayaa iyagu guulo soo hooyay habeenkaa, halka ay kooxda Deportivo La Caruna iyo Juventus ay la kulmeen guuldarooyin aad u dhaawacay taageerayaasha kooxahooda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa aynu hoos ugu dhaadhici doonnaa tafaasiisha ciyaaraha xiisaha badnaa habeen Arbacadii ka dhacay garoomo kala duwan oo ku yaal Qaaradda Yurub, waa kuwan:

AC Milan 1-0 Lokomotiv
Waxa uu ahaa habeen markii ciyaartoyga Tomasson uu xusuusiyay dhammaan inta ku abtirsata kooxda AC Milan in kooxdu ay haysato ciyaartoy ka badan Shevchenko iyo Inzaghi marka loo baahdo in loo doorto kooxda weeraryahano wada weerar gali kara.
Tomasson fursadiisii ugu horaysay waxa ay timid daqiiqadii 21aad markii ciyaartoyga khadka dhexe ka ciyaara ee Rui Costa kubad u soo dusiyay Rivaldo, kaas oo isaguna laabta ugu dejiyay Tomasson oo darbad xoogan kaga laaday goolka cidhifka khadka 18aad, iyadoo ay aad ugu dhawaayeen goolhaye Orchinikiv iyo ciyaartoyda kale ee kooxda Ruushka ah.

Daqiiqad dabadeed, haddana dedaal dheer oo uu markan lahaa Rivaldo, ayuu aad iskugu kala bixiyay goolwaduhu, laakiin weli wuxuu awooday inuu u diido kooxda Milan in ay gool dhashato.

Dhinaca kale, kooxda Lokomotiv, ayaa fursad heshay daqiiqadii 25aad markii ciyaartoyga Ruushka u dhashay ee Pimenov kubad ka helay goobta la laado rigooraha ee dhinaca goolka Milan, waxaanu dib ugu soo baasay Vladimir Maminov oo u dhashay dalka Uzbekistan oo ku laaday goolka Milan darbad aad u xoog weyn, laakiin difaacyahanka Alessandro Nesta ayaa kubaddaa isu dhigay intii aanay gaadhin goolhayaha AC Milan ee Dida.

Ka hor intii aanay ciyaartu socon saacad badhkeed, ayay kooxda Milan waxay dalbatay in loo qabto rigoore, kadib markii Paolo Maldini oo isagu rikoodhkiisa ciyaaraha Horyaalka Yurub ee uu ciyaaray 117 ciyaarood uu kubad u karoosay Tomasson oo khadka gudihiisa jooga, taas oo keentay in ay Tomasson iyo Dmitri ay isku dhacaan iyagoo ku hirdamay kubadda khadka gudihiisa, laakiin garsooraha ciyaartaas ee Gilles Veissiere ayaa Xukunka ku riday inuu Tomasson shaadhka difaaca soo hor jiiday.

Qaybtii labaad ee ciyaartu waxay ku bilaabantay deggenaansho, laakiin daqiiqadii 12aad ayay Milan heshay weerar degdeg ah (Counter-attack), kadib markii ciyaartoyga kooxda Lokomotiv ee Maminov ay ka lunta kubadi, kadibna Rui Costa uu u baasay Tomasson, balse weeraryahanka ayaa la noqnoqday, taas oo ay ciyaartoyda Lokomotiv awoodeen in ay dib u soo noqdaan, kubaddana khatarteeda ka fogeeyeen goolkooda. Laakiin goolka guushu waxa uu yimid shan daqiiqadood kadib, waxaanu ahaa tusaale ku fillan heerka weerarka kubadda cagta. Rui Costa oo soo laaday kubad dheer, ayaa waxa dejiyay Inzaghi, una laaday dhinaca Tomasson oo isagu meel wanaagsan ka bosishan qaatay,waxaanu ku laaday si hubsiimo ku jirto goolka oo uu ku dhaliyay. Ciyaartaas oo wakhtigeedii ku dhammaaday 1-0 ay guushu ku raacday AC Milan.

Real Madrid 2-1 Borussia Dortmund
Laba gool oo ay kala dhaliyeen Raul iyo Ronaldo, ayaa siisay kooxda Real Madrid in ay kaga guulaystaan kooxda Borussia Dortmund ciyaar ay ku wada ciyaareen garoon Bernabeu ee magaalada Madrid ee dalka Spain, taas oo ay ku soo nooleeyeen rajadooda taariikhiga ah ee Horyaalkii 10aad ee tartanka Horyaalka Kooxaha Yurub.

Iyadoo ay Real Madrid hal dhibic ah ka heshay labadii ciyaarood ee hore ee kooxaha Group C, haddana waxay kooxdan difaacanaysa Horyaalnimada Yurub u baahan tahay Saddex dhibcood oo ay ka hesho ciyaaraheega dambe, si ay ugu gudubto wareega sideeda kooxood isugu soo hadhayaan (Quaterfinals), balse arrinta hadda taagani waxay tahay in ay ka foojignaadaan in ay ka badiso Dortmund ciyaarta toddobaadkan dambe ay la ciyaarayaan, laakiin hadda waxa ay heleen guul mooraaldhis ah oo ay ku heleen badinta kooxda ka soo horjeeda ee Dortmund, kadib markii ay dib ugu soo dagaalameen gool ay ka dambeeyeen ciyaartii inteedii hore oo uu ka dhaliyay ciyaartoyga Jan Koller.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid waxa la yaab ku noqday, sida ay u awoodi waayeen in ay ciyaarta gacantooda u soo gelin lahaayeen. Kooxda Brussia ayaa 11-keeda ciyaartoyba difaacayeen goolka, taas oo ku adkaatay Real Madrid in ay hore u jebiso khadka difaaca kooxda Brussia Dortmund, laakiin ciyaartoyga Koller ayaa mar keliya aamusiiyay sawaxanka xooga badnaa ee garoon Bernabeu, kadib markii uu ka hor saacad badhkeeda wakhtiga ciyaarta uu helay kubad uu wakhti u helay inuu ku dejisto, una soo laado laad xoogan dhinaca goolwadaha Real ee Iker Casillas, taas oo uu ka soo laaday khadka dibadiisa, waxaanay noqotay gool ay Brussia ku hogaamiso ciyaarta.

Waxay u ekeyd in aanu goolka barbardhacu aanu imanayn difaaca ay ku jirtay Brussia awgeed, laakiin Raul ayaa isagu isku dayay wax yar inuu sameeyo, taas oo keentay inuu ciyaartii ka dhigo barbaro. Raul waxa uu kubad ka helay meel u dhow khadka rigooraha laga laado, isagoo dhabarkiisu u jeeday dhinaca goolku ka xigo, waxaanu u ekaa inuu kubadda u celinayo Worna, laakiin ra’yigiisii wuu beddelay waxaanu isku rogay oo uu ku laaday dhinaca goolka oo uu dhex dhigay shabagga goolka.

Qaybtii labaad ee ciyaarta, ayaa ku bilaabmatay weerar aad u kulul, waxaanay Real Madrid hogaanka ciyaarta la wareeegtay daqiiqadii 55aad ee wakhtiga ciyaarta, kadib markii Zinadine Zidane ka faa’iidaystay kubad khalad ah oo uu ka helay Dede, isagoo dhinaca bidix hore ugula dhaafay ka hor intaanu karoos gaaban u soo laadin dhinaca Ronaldo oo kaga dhirbaaxay goolka darbad meel dhow uu ka laaday, waxaanay taasi ahayd fursadda kaleiya ee uu ciyaartoygan Reer Brazil si saxa u maamulo habeenkaas oo dhan.

Real waxay isku dayaysay in ay cadaadiska ku sii wadaan ciyaarta oo ay sii xoojiyeen weeraradoodii ciyaartoyda Raul, Figo iyo Roberto Carlos, halka ay Brussia ciyaarteedii furtay si ay u hesho gool ay barbardhac ku noqoto.

Tababare Vicente del Bosque, ayaa soo geliyay ciyaarta weeraryahanka Guti, isagoo ku beddelay ciyaartoyga reer Brazil ee Ronaldo oo la kulmay foodhi markii uu sii baxay oo ay ku foodhyayeen taageerayaasha garoonka ku sugnaa, kadib ciyaartii uu habeenka soo bandhigay oo aan qancin taageerayaasha kooxda Real Madrid.

Ciyaartiina waxay ku dhammaatay 2-1 ay ku badisay Real Madrid, inkastoo ay isku dayday Brussia Dortmund in ay ciyaarta barbarayso, haddana u may suurta-gelin taasi.

Manchester United 2-1 Juventus
Ciyaar ka mid ahayd ciyaaraha kooxaha ku jira Group D ee tartanka Horyaalka Yurub, ayay ku wada ciyaareen garoonka Old Trafford ee magaalada Manchester, labada kooxood ee Manchester United oo gurigeeda lagu ciyaarayay iyo kooxda Talyaaniga ah ee Juventus. Ciyaartan oo ay daawanayeen in ka badan 66,000 oo qof, waxa ay ahayd mid aad u xiiso badnay oo ay kooxda Martida loo yahay ee Man United goolkii ugu horeeyay ciyaarta ku furtay daqiiqadii 4aad, waxaana goolkaas u saxeexay ciyaartoyga West Brown. Ruud Van Nistelrooy, ayaa daqiiqadii 85aad dhaliyay goolkii labaad ee kooxda Man United oo iyadu garoonkeeda iyo taageerayaasheeda dhexdeeda ku ciyaaraysay.

Ciyaartoyga Pavel Nedved ayaa gool u dhaliyay kooxda Juventus laba daqiiqadood markii ay dhaaftay wakhtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta, halkaas oo ay guushu ku raacday Manchester United 2-1 ay ku garaaceen kooxda Juventus.

Basle 1-0 Deportivo La Caruna
Ciyaar kale oo ka mid ahayd ciyaaraha kooxaha Group D ee tartanka Horyaalka Yurub, ayaa dhexmartay kooxda Swiss ee Basle iyo kooxda reer Spain ee Deportivo La Caruna, ciyaartaas oo lagu ciyaarayay garoonka kooxda reer Swiss ee Basle, waxa ay ku dhammaatay 1-0 ay ku adkaatay kooxda Basle oo ay ku dhaqaajiyeen kooxda Deportivo, waxaana goolka u dhaliyay kooxda Basle ciyaartoyga Hakan Yakin oo dhaliyay daqiiqadii 30aad, iyadoo ay ciyaartaas daawanayeen taageerayaal ku dhow 29,000-oo qof.

Top