Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 275 February 24, 2003

Abwaan Hadraawi Iyo Madasha Shirweynaha Ururada Bulshada Rayidka Ah

WASAARADDA CAAFIMAADKA & SHAQADA SOMALILAND

Taariikh nololeedkii Xaaji Faarax Ismaaciil

Kala-Guurka Labada Miisaaniyadood Iyo Xisaab-Xidhka Hoosta Laga Xariiqay Ee Miisaaniyaddii 2002

Aroos wacan

SAHAN Oo Ku Eedeeyay UDUB Inuu Noqday Maxkamad Dastuuri Ah

Tacsi

BARBAAR

Qayb Ka Mid Ah Ururka ASAD Ee Kala Jabay Oo La Midoobay Xisbiga KULMIYE

Wararka Dibadda

Maraykanka Oo Diyaar U Ah Weerar Iyo Ciraaq Oo Gaashaanka Ku Dhufatay Wadahadal

9 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Maqaam Shiicadu Leedahay Dalka Pakistan

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Maanta Waa Maalintii Wax-Qabadka

Duqa Cusubi Wax Ma Ka Beddeli Doonaa Hargeysa

UDUB Ma Hay’ad Garsoor Bay Noqotay

Nin Aamusay Habartii Qadisay

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

WAADIGA CIYAARAHA

Tyson Oo Muddo Daqiiqad Ka Yar Dhulka Ugu Tuuray Feedhyahanka Etienne

Ciyaartii AC Milan iyo Torino Oo Dib Loo Dhigay


Abwaan Hadraawi Iyo Madasha Shirweynaha Ururada Bulshada Rayidka Ah

Hargeysa (Haatuf) shirkii ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya ee ka socday Hotelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa ayaa galay shalay maalintii labaad.

Waxaana shrika soo gaadhay shalay abwaanka weyn ee Caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo madasha shirkaa ka akhriyay Khudbad dheer iyo gabay ka mid ah gabayadiisa caanka ah, oo soo jiitay dareenka ka qayb galayaashii madasha shrika fadhiyay, isla markaana ka turjumayay waaqica dhabta ah ee bulshada.

Abwaanka waxa intii aanu bilaabin khudbadiisa iyo gabayga magaceeda la yidhaahdo "Rag Siyaasi wada Noqoy" waxa mikrafoonka ku soo dhaweeyay, mid ka mid ah saaxiibadiisa uu had iyo jeer ku soo hal qabsado magacyadooda qaar ka mid ah maansooyinkiisa Rashiid Sheekh C/laahi "Rashiid Gadhweyne" wuxuna Rashiid erayo kooban oo uu kula hadlayo ka qaybgalaasha ku yidhi "Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" maaha qof aan anigu maanta idiin sheegayo waxaan filayaa inaad magaciisa iyo maansooyinkiisa wada maqasheen oo aanu dhegihiina ku cusbayn, waana haldoorka Maansada Soomaalida, waad wada garanaysaan oo waa nin bulshada Soomaalida caan ka ah."

Intaa ka dib abwaanku waxa lagu soo dhaweeyay mikrafoonka, wuxuuna ka hor intii aanu u gelin maansada yidhi "kulanka maanta waxaan filayaa cida fadhida inay garanayso dadka ay ka hadlayso, xaaladda ay ku suganyihiin iyo dhibaatooyinka haysta maanta ama sida aanay talo u hayn. Umadda aad ka soo jeedaan, mar haddii aanay talo hayna waxay caado ka dhigatay marka la yidhaahdo meel heblaayaa shir ka jiraa, inay is yidhaahdaan kaasay ku dhantahay garanmaayaan NGO-yada, ururada laga hadlayo iyo luqada laga hadlayo iyo sida loosoo bandhigayo, laakiin wuxuun bay ka fishaan NGO-yada laga hadlayo ama bulshada rayidka ah.

Anigu ka hadli maayo oo in iiga aqoon roon ayaa fadhida, laakiin ururo bulsho waxaan u aqaanaa kuwo dadku samaysto oo iyagu dhaqaaleeyaan, maamulaan, jiheeyaan oo ilaashadaan.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) wuxuu ugu bushaareeyay dadkii madasha fadhiyay inuu ku faraxsanyahay saaxiibkii Abwaanka wayn ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo uu yidhi "waa saaxiibkaygii aanu nolosha meel ka wada taagnayn dagaalkana si ugu wada jiray oo isna maanta (berrito) idinla hadli doona. Ayaa isaguna halkaa fadhiya ayuu yidhi Hadraawi.

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) wuxuu sheegay inuu isagu u yaqaan ururada bulshada kuwa ka soo dhex baxa bulshada iyo cida ugu fiican ee ay ka dhigtaan may xilka qaadaan gudashadiisa iyo arrimaha lagu xusho hogaaminta iyo daacadnimada, samirka, dabadeedna ay iyagu ilaashadaan oo cidkasta ka madax banaan, laakiin mujtamaca maanta u dhaxeeya dawlad siyaasiyiin, salaadiin, ugaasyo, malaaqyo, cuqaal iyo hay’addo NGO-yada maanta la sheegayo intaasay dhextaagan yihiin oo waa xadhig la kala jiidanayo.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame wuxuu ka cudur daartay si kaftana in aanu warka ka hayn waxa halkaa ka socda waqtigii yaraa ee uu fadhiyayna aanu waxba ka fahmin NGO-yada laga hadlayo, laakiin loo fidiyay marti qaad isagoo Burco jooga, isla markaana uu iska ridayo kaalinta uu bulshada ku leeyahay.

Intaa ka dib wuxuu bilaabay gabayga magaciisa la yidhaahdo "Rag Siyaasi Wada Noqoy" kaasoo ay aad ugu dhegtaagayeen dadka madasha shirka fadhiyay, laakiin gabayga oo qoraal ah waxaanu soo gudbin doona cadadyada soo socda.

Top


WASAARADDA CAAFIMAADKA & SHAQADA SOMALILAND

OLOLAHA CIDHIBTIRKA CUDURKA DABAYSHA

Cudurka Dabaysha (Poliomyelitis)

Waa cudur inta badan ku dhaca caruurta ka yar shan jirka hadaanay ka talaalayn, waxana keena ili-ma-aragtay ka tirsan nooca Virus-ka loo yaqaano, kaasoo keena inay bakhtiyaan muruqyadu (Paralysis). Dhacdadani waxay sababtaa Curyaanimo iyo dhimashaba haddii muruqyada cudurku haleelay ay yihiin kuwa neefsashada.

Cudurkan Dabayshu wuxuu u faafaa si aad u dhakhso badan, iyadoo Ilmaha u-bukaa uu si fudud u qaadsiin karo jeermiska cudurkan caruurta kale ee aan hore u talaalayn.

Cudurkan Dabayshu dawo ma laha, sidaa awgeed dariiqa keliya ee inoo banaani waa inaynu ka-hortagnaa imaanshihiisa. Sida qudha ee cudurkan Dabaysha looga hortagi karaa waa iyadoo la Talaalo dhamaan caruurta ka yar shan-jirka.

Hadaba iyadoo arrintani laga duulayo ayaa Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqadu dunida inteeda kale la go’aansatay in gabi ahaanba la cidhibtiro cudurkan halists ah, taasoo marka laga yimaado hawlaha Talaalka ee joogtada uga socda goobaha caafimaadka laysla gartay in la sameeyo ololayaal cudurka Dabaysha lagaga talaalayo dhamaan caruurta ku dhaqan Somaliland.

Hadaba, Wareega Koowaad ee Ololaha Talaalka cudurka Dabayshu wuxuu ka socon doonaa dhamaan gobolada, degmooyinka iyo deegaanada Somaliland 25ka, 26ka, iyo 27ka bishan (maalmaha Salaasada, Arbacada, iyo Khamiista todobaadkan).

Hadaba, Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqadu, waxay dadweynaha sharafta leh ee reer Somaliland ka codsanaysaa inay carruurta shanta sanno ka-yar ka talaalaan cudurka dilaaga ah ee Dabaysha (Poliomyielitis). 

Top


Taariikh nololeedkii Xaaji Faarax Ismaaciil

Kumuu ahaa Xaaji Faarax?

Sidaynu la wada socono maamulkii hore ee D/hoose ee Hargeysa waxa uu daba-yaaqadii bishii January magacii ka beddelay xaafadda Jig-jiga Yar oo ka tirsan degmada Koodbuur ee Hargeysa, waxaana loogu magac-daray oo loo bixiyay xaafadda Xaaji Faarax Ismaaciil.

Haddaba waxa jira dad si khaldan u fahmay xaafadda magaceeda la beddelay oo u fasirtay in degmadii Koodbuur magaca laga beddelay, hase yeeshee waxa la beddelay oo keliya magacii xaafadda Jig-jiga Yar, iyadoo uu sidiisii yahay magacii degmada Kood-buur.

Haddii aynu taa halkaa ku dhaafno bal aynu is-weydiino waa kuma Xaaji Faarax Ismaaciil? Iyadoo waqtiyadii Xaaji Faarax dadku aanay qoraalka taariikhda u bislayn, haddana aynu si kooban uga hadalno Taariikh-nololeedkiisii.

Ilaahay haw naxariistee Marxuum Xaaji Faarax, wuxuu ka mid ahaa odayaashii iyo culimadii waaweynayd ee laga magac-baxay reer Jameeco-weyn, waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1827, sida ay ii sheegeen dad xog-ogaal u ahaa taariikhdiisa. Wuxuu waxbarasho dhinaca diinta islaamka ah u tegay magaalada Herar, halkaasna wuxuu ka galay dugsiyadii lagu baran jiray culuumta islaamka. Markii uu soo dhammaystay culuuntii diinta wuxuu ku soo laabtay magaalada Hargeysa, waxaanu noqday sheekh culimo ah oo bulshadu aad u qaddariso.

Markii uu muddo joogay ayuu u socdaalay dalka Sucuudiga si uu usoo guto waajibaadka Xajka, sidaa darteedna waxa la ii sheegay in sidaa awgeed uu ula baxay Xaaji Faarax. Markii uu kasoo laabtay Xajka waxa uu la kulmay culimadii iyo duqaytidii magaalada Hargeysa deganaa, waxaanay isku raaceen inay sameeyaan urur Jamaaca Khayriya la odhan jiray, waxayna ku magacaabeen Jameeco-weyn, iyagoo degay xaafadda la odhan jiray ama la yidhaa Jameeco-weyn ee magaalada Hargeysa.

Sida la ii sheegay, sababaha ay u aas-aaseen jameecadaa si ay beelaha deegaanka Hargeysi ugu noolaadaan nabad-gelyo, waxaanay u ololayn jireen sidii ay beelaha colaaduhu dhexmaraan u xalliyaan.

Odayaashii reer jamaaco-weyn ee aas-aasay Hargeysa, Ilaahay wuu ku guuleeyay inay Hargeysi noqoto magaalo la wada dego. Sida la ii sheegay Xaaji Faarax wuxuu noqday dadkii ugu horreeyay ee magaalada guryo ka dhista. Dad soo gaadhay xilliyadii Xaaji Faarax, waxay ku tilmaameen inuu aad ugu xeel-dheeraa culuunta diinta Islaamka.

Markay taariikhdu ahayd 1924-kii, ayuu Alla haw naxariistee Xaaji Faarax ku geeriyooday magaalada Hargeysa, sida ay ii sheegeen dad ogaa geeridii Marxuumka, iyadoo si weyn ay bulshada reer Hargeysa uga qaybqaateen aaskii Marxuumka.

Ilaahay haw naxariistee Marxuum X. Faarax, waxaa lagu tilmaamay inuu ahaa sheekh caalim ah oo ka mid ah culimada karaamada Ilaahay siiyay, waxyaabo badana laga arkay.

Maxamed Ibraahim Sagax.
Hargeysa.

Top


Kala-Guurka Labada Miisaaniyadood Iyo Xisaab-Xidhka Hoosta Laga Xariiqay Ee Miisaaniyaddii 2002

Waxay Su’aali Ka Taagan Tahay Halka Ay Ku Baxday Lacag Ka Badan 26 Bilyan Oo Miisaaniyaddii 2002, Dibedda Ka Ah

Hargeysa (Haatuf): Miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2003 ayey shalay ansixiyeen golaha wasiirada, iyadoo lagu ansixiyey fadhi aan caadi ahayn oo uu gudoominayey Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, kana dhacay xarunta madaxtooyada, sidaana waxa shaaca ka qaaday war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada, Cabdi Idiris Ducaale, waxaana lagu wadaa in miisaaniyadda si dhakhso ah loo horgeeyo golaha wakiilada si ay u ansixiyaan. 

Sida uu war-saxaafadeedku sheegay marka la isku daro miisaaniyadda dawladda dhexe iyo dekedda Berbera oo miisaaniyad gaar ah leh waxa weeye inku dhow 112 Bilyan oo shillinka Somaliland ah, taas oo aad uga badan miisaaniyaddii kal hore oo ahayd inku dhow 9 bilyan oo shilinka Somaliland ah. Laakiin sida uu sharciga wadanka u yaal dhigayo waxay ahayd in miisaaniyadda 2003 ugu dambayn bishii Nofembar ee 2002 la horkeeno golaha wakiilada, waxaase xiligaa ka soo wareegay inku dhow saddex bilood, taas oo baalmarsan sida uu qaynuunku dhigayo, hase yeeshee sida warsaxaafadeedkani sheegay wasiirka maaliyadda Xuseen Faarax Doodi golaha wasiirada u sheegay inay dib-udhaca keentay iyadoo ay duruuftu khasabtay in kutalo galkii hore dib loogu noqdo, ka dib markii buu yidhi "iyadoo ay dhibaatadii xoola-dhoofintu taagan tahay ay hadana ku soo biirtay xidhitaanka xadka Itoobiya." Hase yeeshee marka laga yimaado cudur-daarka wasiirka maaliyaddu ka bixiyey dib-udhaca miisaaniyadda waxa taagan su’aalo dareen leh oo la xidhiidha sababta dib-udhaca keenista miisaaniyadda, isla markaana bilihii u dambeeyey waxa si weyn isu soo tarayey warar tibaaxaya in dhaqaalihii dawladda ee soo baxay sannadkii ina dhaafay si weyn loo faraxumeeyey, balse inta aynaan wax kale u gelin waxay iswaydiintu tahay, muxuu ahaa mala-awaalkii miisaaniyaddii 2002, isla markaana dakhli iyo kharash mid-ba maxaa baxay ama soo hoyday, maxaase ugu dambayn dhamaadkii xisaabta miisaaniyadda ee sannadkii 2002 qalinku hoosta ka xariiqay.

Kutalogalkii miisaaniyaddii dawladda (kharash & dakhli) ee sannadkii 2002 waxa uu ahaa 88’852’000’000 Sh.Sl (Sideed iyo sideetan bilyan, sideed boqol iyo laba iyo konton milyan oo shilin Somaliland ah), laakiin sida uu muujinayo jaantuska xisaab-xidhkii miisaaniyadda ee bishii Diisambar 2002 waxa uu kharashkii baxay 87’503’459’694 Sh.SL. Sidaa darteed kharashkii miisaaniyadda ee uu kutalo-galku ahaa inuu baxo sannadkii 2002 waxa baaqday inku dhow 1.4 Bilyan shilin Somaliland, hase yeeshee waxa kale oo taa dheer, iyadoo uu dakhligii dawladda ee sannadkii 2002 guud ahaan noqday 106’769’778’069 Shilin Somaliland, iyadoo uu dakhligaasi ka soo kala baxay meelaha kala ah: Berbera oo ay ka soo baxday, 72’970’637’872 Sh.Sl, Gebilay waxa ka soo baxay 7’056’024’791 Sh.Sl, Hargeysana waxa ka soo baxay 10’338’473’331 Sh.Sl, Booramena waxa ka soo baxay 1’353’875’091 Sh.Sl, Caynabana waxa ka soo baxay 1’234’227’894 Sh.Sl., Burcona 946’181’785 Sh.Sl iyo Ceerigaabo oo ah 304’856’875 Sh.Sl, taas oo aad uga badan kutalo-galkii dakhligii miisaaniyadda oo ahaa 88’852’000’000 Sh.Sl, sidaa darteed marka la isku daro kharashka baaqday iyo dakhliga miisaaniyadda ka baxsan ee soo baxay waxa uu noqday lacag dhan 19’266’318’375 Sh.Sl (Sagaal iyo toban bilyan, laba boqol iyo lix iyo lixdan milyan, saddex boqol iyo sideed iyo toban kun, saddex boqol iyo shan iyo toddobaatan oo shilin Somaliland ah).

Hase yeeshee sida ku cad xisaab-xidhkii miisaaniyadda ee sannadkii 2002 waxa dawladda deyn loogu yeeshay lacag gaadhaysa 7’813’852’066 (Toddoba bilyan, sideed boqol iyo saddex iyo toban mliyan, sideed boqol iyo laba iyo konton kun iyo lix iyo lixdan shilin). Sidaa awgeed marka la isku daro dakhliga miisaaniyadda ka baxsan iyo lacagta daynta ah ee ay dawladdu gashay waxa uu noqonayaa 26’450’170’441 Shilin Somaliland. Laakiin sida uu sharcigu dhigayo hadii ay dawladdu doonayso inay gasho dakhli dheeraad ah waa in loo sameeyo miisaaniyad qabyo ah (Suplementry Budget) iyo sidoo kalena waxa uu sharciga wadanka u yaal xaaraantinimaynayaa inaanay dawladdu geli karin kharash aan xeer jidayn, sidaa awgeed waxa maamulayaasha wasaaradda maaliyadda horyaal ugu yaraan laba su’aalood oo kala ah: inay marka hore tafsiir ka bixiyaan dariiqa xisaabeed ee ay u mareen isticmaalka lacagta xadigeedu ku dhow yahay 26.5 Bilyan Shilin iyo ta labaad oo ah sharciga dawladda u xalaaleeyey inay gasho kharash aan xeer u jidayn, waxa kale oo iyana meesha taal in tafaasiil ku filan laga bixiyo waxa ay ku baxday lacagta xadigaa lihi.

Dhinaca kalena iyadoo dawladdu kharashka laxaadka leh gashay ayaa hadana waxa bililhii tegay soo baxayey warar tibaaxaya inaan sidii ay ahayd loo bixin daymankii, lacagihii raashinka ciidamada iyo weliba mushahaarooyinka ciidamada iyo shaqaalaha bilaha qaarkood. Laakiin arinta taa xiisa badani waxay tahay wasaaradda maaliyadda oo ah hay’adda gacanta ku haysa dhaqaalaha inuu wasiirkeedu baahida xafiiskiisa hayadaha samafalka waydiisto inay wax kala qabtaan, taas oo sida ku cad waraaq uu tobankii bishan aynu ku jirno ee Jananweri u qoray hay’adda UNDP uu dalbanayo lacag ku dhow toddobaatan kun oo doolar, lacagtaas oo uu sheegay inay doonayaan inay iskaga daboolaan baahiyo ay ka mid yihiin kombiyuutaro iyo tababaro yar yar oo la siiyo shaqaalaha xafiiskiisa iyo weliba kharashka E-Mailka xafiiskiisa yaal.

Sidoo kale waxa maamulayaasha maaliyadda laga sugayaan inay tafaasiil ka bixiyaan halka uu ka imanayo dakhliga miisaaniyadda 2003 ee aadka uga badan miisaaniyaddii kal hore, iyadoo uu wasiirka maaliyaddu sheegay in dib-dhaca diyaarinta miisaaniyadda ay sabab u ahayd duruufo dhaqaale oo ka dhashay joojinta dhoofka xoolaha iyo weliba xadka Itoobiya ee xidhmay, isla markaana ay labadaa arimood-ba weli taagan yihiin.

Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeene madaxda wasaaradda maaliyadda oo dhowa ayeynu ka war-sugaynaa bal sharaxa ay ka bixiyaan sida loo isticmaalay dakhligii miisaaniyaddii kal hore, iyadoo waxa laga sugayaa ay yihiin inay jawaabo shaafi ah ka bixiyaan su’aalaha taagan ee dhinaca miisaaniyadda, laakiin inkasta oo aynu ka warsugi doono tafaasiisha ay maamulayaasha hayadaha dhaqaaluhu ka bixiyaan tibaaxaha isa soo taraya iyo su’aalaha mad-madowga leh ee ka taagan dhinaca dhaqaalaha, hadana hadii taa la waayo oo ay maamulayaasha hayadaha dhaqaalaha gacanta ku haya iyo Xafiisyada dabagalka dhaqaaluhu tafaasiil waafiya ka bixin waayaan arimaha xafiisyadooda ku xidhan waxa lagama maarmaan noqonaysa in dhufayska loogu dhaco, ka dibna si aan ixtiraam lahayn loo kashifo fadeexadaha la tuhunsan yahay inay ku jiraan hulalka Xafiisyada hayadaha dhaqaalaha iyo Xafiisyada xisaabaadka.

Top


Aroos wacan

Daahir Cali Wacays Iyo Xaaskiisa, Barkhad Dirir Cilmi Iyo Xaaskiisa, Kaahiye Cumar Yuusuf Iyo Xaaskiisa, Jiif Caaqil Axmed Aadan Bile Iyo Ibraahim Xasan Axmed, Xaashi Jirde Diiriye Iyo Xaaskiisa, Mawliid Jaamac Dugsiiye Iyo Xaaskiisa. Dhammaan dadkaasi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan

Siciid Cali Wacays
Iyo Muna Yuusuf C/Laahi

Oo 22/02/03 arooskoodu ka dhacay magaalada Hargeysa

Top


SAHAN Oo Ku Eedeeyay UDUB Inuu Noqday Maxkamad Dastuuri Ah

Hargeysa (Haatuf) Ururka SAHAN oo ka mid ah ururadii ku hadhay doorashooyinkii golaha deegaanka ayaa ku eedeeyay xisbiga UDUB inuu noqday maxkamad dastuuri ah markii uu dhawaan sheegay in uuradii hadhay aan loo oglayn inay ka qayb qaataan tartanka madaxtinimada dalka.

Waxaana sidaa uu ururku ka soo saaray shir aan caadi ahayn oo shalay isugu yimaadeen golaha dhexe ee SAHAN warsaxaafadeed uu ururku arrintaa kaga hadlay oo uu ku saxeexanyahay Eng C/Raxmaan Maxamed Ducaale oo ah gudoomiyaha Golaha dhexe wuxuu u qornaa siadan:

"Shir aan caadi oo ay xubnaha golaha dhexe ururka SAHAN isugu yimaadeen 23/02/03 waxay ku falanqeeeyeen warsaxaafadeedkii xisbiga UDUB ku baahiyeen qalabka warbaahinta kaas oo dedafaynaayay qodobka 35aad ee xeerka doorashooyinka madaxtinimada, qodobkaas oo xaq u siinaya ururada diiwaan gashan inay soo sharixi karaan musharax madaxweyne iyo ku xigeen.

Warsaxaafadeedka UDUB oo nuxurkiisu ahaa in aan ururada diiwaan gashan loo oglaan musharaxnimada madaxtooyada iyo in talaabo sharci ah laga qaado ururadaasi.

Aragtidaa UDUB waxa cadaan ah inay tahay mid ka timid gudoomiyaha ururkaas, oo ah madaxweynaha JSL.

Ururka SAHAN wuxuu aaminsanyahay inay UDUB noqotay garsoorkii dalka, warsaxaafadeedkaasina ahaa fariin loo diray gudida doorashooyinka, iyo maxkamadda dastuuriga si ay dedafeeyaan xeerka doorashooyinka.

Ururka SAHAN wuxuu arkaa haddii la meel mariyo rabitaanka ururka UDUB inay taasi noqonayso sharciyadii dalka oo la jabiyay." Ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedkaa.

Top


Tacsi

Aabo X. Maxamed X. Yuusuf, Hooyo Faadumo C/Laahi Yaasiin, C/Rashiid Maxamed X. Yuusuf Iyo Xaaskiisa, Khaalid Maxamed X. Yuusuf, Hoodo Maxamed X. Yuusuf, Mubaarik Maxamed X. Yuusuf, Nimco Maxamed X. Yuusuf, Sabaax Maxamed X. Yuusuf, Bedra Maxamed X. Yuusuf, Abuubakar Maxamed X. Yuusuf, Mustafe Maxamed X. Yuusuf.

Dhammaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu alle haw naxariistee ka geeriyooday Marxuum Xaamud Maxamuud Faarax oo 22/02/03 ku geeriyooday magaalada Jabuuti, waxayna marxuumka Ilaahay uga baryayaan inuu naxariistii jano ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Tacsi 
Guddoomiyaha gola deegaanka ahna duqa magaalada Berbera cabdalle maxamed cali, isagoo ku hadlaya magaciisa, magaca xubnaha golaha deegaanka Berbera, hawl-wadeenada iyo shaqaalaha D/hoose ee Berbera iyo magaca shacbi-weynaha ku dhaqan magaalada Berbera, wuxuu tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii uu alle haw naxariistee ka geeriyooday xoghayihii fulinta D/hoose ee Sheekh Marxuum Xaamud Maxamuud Faarax oo 22/02/03 ku geeriyooday magaalada Jabuuti, waxaanu marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Top


BARBAAR

Xasan Xoosh

Somaliland Horumar Ma Gaadhi Kartaa
Dariiqa Horumarka 

Nabi Maxamed (CSW) markii uu ugu baaqaayay dadkii daganaa Maka diinta islaamka waxa uu kala kulmay dhibaatooyin, halkaas oo ay wanaagiisii ugu abaal gudeen xumaan, jiilkii waaweynaa ee uu hogaaminaayay Abu-Jahal iyo kooxdiisii ayuu rasuulku ka niyad jabay in ay diinta soo galaan, markaas ayuu u yimid malak Jibriil oo uu nabigii ku yidhi "Ka waran hadaan ku soo dumiyo labada buurood ee ku yaala hareeraha Maka" bal aanu eegno jawaabii nabi Maxamed uu ku yidhi Jibriil "Jibriilaw waxaan rajaynayaa in uu Ilaahay uu ka soo saaro jiil dhalinyaro ah oo caabuda oo cidna aan iila shariik yeelin" sidii uu Nabi Maxamed uu yidhi ayay u dhacday, markaa waxa ku soo biiray diinta islaamka rag adag oo ay ka mid yihiin Cumar Binu Khadaab, Xamse Binu Abuu-daalib, Khaalid binu Waliid iyo rag kale oo badan oo la mid ah, dhalinyaradaas oo diintii kor u qaaday, oo ay siday u wadeen halgankii ay fureen ilaa iyo Ruushka iyo dhulal faro badan oo kale.

Hadaba halgan walba oo ay dunidu ay gashay ama ay gali doonto mustaqbalka waxa aalam ka ah dhalinyarada, tusaale ahaan halgankii ay soo gashay SNM waxa qayb libaax ka soo qaatay dhalinyarada, halganku kuma koobna oo qudha dhinaca dagaalka waxa la mid ah halganka iyo kifaaxa horumarka loo galo, Somaliland waxay sugaysaa horumar dhinacyada Dhaqaale, Bulsho, Siyaasadeed, iyo dhinac kasta oo ka mid ah nolosha.

Hadaba dhalinyaradu horumar ma samayn karaan hadaan la tusin dariiqa horumarka ama loo samay hab ay ku horumaraan, dhalinyaradu waxay u baahan yihiin daryeel dhinaca maskaxda ah si ay u anfacaan dadkooda iyo dalkoodaba.

20-kii sanno ee u danbeeyay Somaliland kamay soo bixin dhalinyaro lagu faani karo oo la odhan karo waxay gaadheen heer ay la tartami karaan dhalinyarada aalamka, halkay diraasaadka lagu sameeyay aadamahu ay sheegayaan in 5000 ee qofba uu ku jiro Qof dadka kale wax dheer, tusaale ahaan hadaan ku qiyaasno dhalinyarada Somaliland 500.000 oo qof waxa laga aalamka 100 qof oo dadka wax dheer, oo horumar samayn kara, haday noqoto dhinaca caafimaadka, dhaqaalaha, Computer-ka, wax qorista, suugaanta...iwm.

Jaamacadaha Dunida waxa ka qalin jabiya sanadkiiba 500.000 oo Engineer, iyadoo oo uu arday walba uu soo diyaariyo design, aalam waxa laga qaataa 50 Style oo ay dunidu ay ku shaqayso 10 sanno.

Sidaas awgeed Somaliland kama madhan dhalinyaradaas oo kale laakiin waxay u baahantahay qorshe iyo maal-galin lagu sameeyo dhalinyarada, taas oo ay iska kaashanayaan dawlada iyo maal-qabeenka iyo indheer garadka dalkeenu, aalamk waxay isweydiintu tahay ma iman doontaa maalina ay bulshoweynta Somaliland cagta saari doonto dariiqa horumarka, jawaabta waxaanu u dhaafi doonaa ayaamaha soo socoda!!!

Waa markii ugu horaysay ee ay Somaliland ay soo gaadho heerka manta ay marayso, dhibaato iyo dhiig iyo dheecaan bay soo martay ayaan odhan karnaa, halgankii balaadhnaa ee ay soo galeen aabayaasheen waxa uu ahaa mid aan la’ilaabay, maantana waxa loo baahan yahay mid u dhigma in ay la yimaadaan jiilka dhalinyarada maanta joogta dalka gudihiisa & dibadiisaba.

Haduu jiilkii hore halgan balaadhan uu soo maray oo uu soo hooyay guulaha balaadhan ee maanta aanu hadhsanayno, maxay idinlatahay in uu jiilka maatu u soo hoyn karo dalka iyo dadkba?

Hawsha ugu weyn ee Jillka maanta jooga looga fadhiyo oo la rabo in uu u tafo-xayto waxa weeyi Horumarka dadka iyo dalkaba, Horumarka waa mid laga maarmaan ah marka loo eego waaqica nololeedka maanta uu ku noolyahay caalamku.

Hadaba anaga oo Maqaalkan ku salaynaaya heerka maanta ay marayso Somaliland iyo talaabooyinka looga baahan yahay in ay qaado si ay u gaadho horumar, aniga oo adeegsanaaya warbixintii uu soo saaray Baanka Horumtinta Aduunka 2002, waxaana ku rajo weynnahay in ay ka faa’iidaysan doonaan Dadka iyo Dawladuba.

Dawladda:
Horumarka ay rajaynayso Somaliland waan in ay marka hore ay bilawdaa dawladu, hadayna dawladu bilaabin horumar lagaadhi maayo, ugu horayn waxa looga baahan yahay dawlada in ay talaabooyinkan ay ku talaabsato iyada oo ka bilaabaysa hay’adaha dawlada:

1- Qorshayn Miisaaniyad ku Filin.
2- La Dagaalanka Musuqmaasuqa.
3- Adeegsiga Aqoonyahanka.
4- In laga Faa’iidayso Technology.

Afartaa qodob waa afarta qodob ee tiir dhaxaadka u ah horumarka dawlad walba hay’ad walba iyo shirkadwarlba, markaa ahaa qoobadaa la waayo macnaheedo waxa weeye horumar la’aan.
Waxana laga mamaarmaan ah in dawladu ku salayso siyaasadaheeda horumarka ku waajahan diraasado lagu sameeyo wadanka gudihiisa, taas oo ku waajahan dhinacyada kala ah:

I) Waaqaca guud ee uu dalku ku suganyahay.
II) Dhaqanka Bulshada Reer Somaliland.
III) Xaalada Guud ee Degaamada Somaliland.
IV) Diraasada in lagu sameeyo mashruucyada iyo shirkadaha laga faa’iidaysan karo.
V) In lala Sameeyo bulsho-weynta aalamka xidhiidh ganacsi.
VI) Keenida aqoonyahano ajnabi ah si looga faa’iidaysto iyada oo la adeegsanaayo shabakadaha macluumaadka iyo kuwa ganacsi ee ka jira aalamka.

Xoojinta loolanka wanaagsan ee u dhexeeya shirkadaha waaweyn iyo ganacsatada yar-yar.

Top


Qayb Ka Mid Ah Ururka ASAD Ee Kala Jabay Oo La Midoobay Xisbiga KULMIYE

"Saaxiibadayo Ra’yigooda Waanu Ixtiraamaynaa, Laakiin..." C/Raxmaan Aw Cali

"Raga ASAD Ee Xisbiga Kusoo Biiray Qiime Weyn Ayay Noogu Fadhiyaan..." Axmed Siilaanyo

Hargeysa (Haatuf): Qayb ka mid ah ururka ASAD oo ay hogaaminayaan gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee ururka ASAD, C/raxmaan Aw-Cali Faarax iyo weliba gudoomiyaha golaha dhexe ee ururka ASAD, Ibraahin C/laahi Xuseen (Dhegaweyne) ayaa shalay si rasmi ah ula midoobay xisbiga KULMIYE, waxayna taasi ka dambaysay ka dib markii uu ururka ASAD u kala jabay laba qaybood , taas oo qaybta kale ee ASAD oo ay hogaaminayaan gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) iyo gudoomiye-kuxigeenka labaad ee ururka ASAD, Fu’aad Aadan-cadde ay habeen hore si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay la midoobayaan xisbiga UDUB, waxayna kala qaybsanaanta ururka ASAD timi, ka dib markii ay hogaamiyayaasha ururkaasi ku kala aragti duwanaadeen halka loogu talinayo aayaha ururka ASAD ka dib doorashooyinkii dawladaha hoose oo uu ururka ASAD ka mid noqday ururada aan ku soo bixin doorashadaa ee ku guulaysan waayey inay u gud-baan heer xisbi.

Xaflad balaadhan oo lagu qabtay hudheelka Ming-sing ee magaalada Hargeysa ayaa lagaga dhawaaqay midowga labada dhinac, halkaasna waxa hadalo ka jeediyey hogaamiyayaasha labada qolo, iyadoo ay munaasibadaa ka soo qayb galeen rag kala ka tirsan hogaamiyayaasha labada dhinac ee midowgu dhexmaray. 

Xafladii midowga qolada ASAD iyo xisbiga KULMIYE waxa ka mid ahaa raggii halkaa ka hadlay Gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee ururka ASAD, C/raxmaan Aw-Cali Faarax iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee ASAD Ibraahin C/laahi Xuseen, kuwaas oo tafaasiil ka bixiyey kala qaybsanka ku yimi ururkooda iyo sababta ay iyagu u go’aansadeen inay la bahoobaan xisbiga KULMIYE, laakiin C/raxmaan Aw-Cali oo hadalka ku horeeyey waxa hadaladiisa ka mid ahaa "R untii tani waa munaasibad taariikhiya oo ay ku midoobayaan qayb luxdan oo ka mid ah ururka ASAD iyo xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, xaqiiqdu sida ay tahay labadayada xisbi (ASAD & KULMIYE) wax badan baanu wadaagnay, waayo waxaanu ahayn laba urur oo mucaarad ah, dabadeedna doorashooyinkii dawladaha hoose waa kuwii qabsoomay, laakiin hadda ku noqon maayo sidii ay wax u dhaceen iyo sidii ay wax noqdeen, balse anagu (ASAD) marna raali kumaanu ahayn wixii halkaa ka dhacay, waxaanuna is lahayn ururka ASAD wuxuu noqon doonaa kuwa hormuudka ah ee ku soo baxa doorashada, laakiin nasiib daro may dhicin sababta waxay doonto ha ahaatee. Ta kale sharciga dalka u yaal wuxuu qeexayaa in saddex urur ay doorashada dambe ee madaxtooyada iyo baarlamaanka ay gelayaan, dabcan xeerku saluugga uu doono ha ahaadee waa khasab in loo hogaansamo, qaranimada ayaana ina faraysa, markaa waxay noqotay inay ururada aan soo bixini ku kala darsamaan saddexda xisbi ee soo baxay, laakiin waxa meesha taal anagu urur mucaarad ah ayaanu ahayn, markaa waxay ila tahay mar hadii aanay jirin wax iska bedelay hanaanka uu dawladnimada ku maamulayey xisbiga dalka u taliya ee UDUB dariiqayagu waxa uu ahaa, isla markaana la ogaa ururka ASAD halka uu ka taagnaa mucaaradadda iyo dawladaba, markaa caqliga saliimka ahi waxa uu ina siinayaa inay ASAD la bahowdo kuwii ay awelba wax wadaageen oo ah xisbiyada mucaaradka ah, marka aan sidaa leeyahayna KULMIYE hormood buu ka ahaa ururada mucaaradka ah, ta kale tartanka doorashadu ha iska jiro dareenkiisa iyo is-garbiskiisa ha iska lahaado, hadana taa laguma kala tegayo oo ragga wax ka weyn baa ka dhexeeya, waxaanu ilaahay ka baryaynaa inuu isu imaatinkayagu uu noqdo mid khayr qaba oo aanu noqono kuwo dalkan, dadkooda iyo diintooda si wada jir iyo daacad ah uga adeegno, isku soo biirkayaguna ma noqonayo mid aanu isu bahaysanayno wax xun , laakiin waa mid aanu isu bahaysanayno danta dalka, bad-baadadiisa iyo xoojinta qaranimadiisa iyo ilaalinta midnimadiisa.".

C/raxmaan Aw-Cali Faarax intaa ka dib waxa uu ka hadlay qaybsanka ku yimi ururkiisa, wuxuuna yidhi "Qayb ka mid ah ASAD oo ah rag waayeel iyo wax garad ah oo aanu soo wada halganay ayaa iyagu ku biiray xisbiga UDUB oo aan jaraa’idka maanta (Shalay) ku arkayey, markaa raggaa iyo anaga aflagaado naga hadhan, waayo waxaan is leeyahay malaa waxay is yidhaahdeen danta Qaranka halkaas ayaad uga adeegaysaan, taas ayey tustay, ra’yigoodana waanu ku ixtiraamaynaa, laakiin maanu filayn inay anaga nagu eedeeyaan inaanu nahay qolo ka jabtay ama ka baxday oo KULMIYE gashay, taa waxaan leeyahay xaashaa lilaah, iyagu meesha ay galeena waynu isla garanaynaa, hadana afkayaga wax xumaan ah iyo wax xag-xagasho ah laga maqli maayo, halka ay geleen inay hagaagsan tahay iyo halka aanu galay inay hagaagsan tahayna taariikhda iyo ummadda Somaliland baa sheegi doonto, nin baa beri yidhi "belayn la noolaa", laakiin iyagana waxaan ilaahay uga baryayaa in halkii ay tagaan-ba ay dalka iyo dadkaba noqdaan niman wax ugu filan, ta kale waxa jariiradda ku qornayd tiro kooban oo golaha dhexe ah, laakiin golaha dhexe ee ururku boqol iyo dheeraad buu ahaa, markaa hadii aanu laba qaybood u kala baxnay waxaan leeyahay dhinacii ay taageerayaashiisu badan tahay fagaaraha ayaa laga arki doonaa, tafaasiisheedana mar dambe ayaanu siin doonaa saxaafadda"ayuu C/raxmaan hadalkiisa ku soo xidhay. Laakiin waxa hadalka u dabamaray gudoomiyaha golaha dhexe ee ASAD, Ibraahin C/laahi Xuseen (Dhegaweyne), wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay "Runtii waa wax cadaan ah inuu ururkayagii ASAD kala jabay, waxaanu u kala jabay xaaladda maanta taagan awgeed oo aanu iskaga aragti noqon waynay, waayo ururka ASAD waa urur mucaarad ah oo weliba muddo dheer mucaarad ahaa, markaa hadii uu ururku ka mid noqon waayey ururadii soo baxay waxaanu anagu bah lahayn ururada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda nidaamka maamul ee dawladdan, waxaanuna ahayn urur mucaaradnimo cad halkaa la taagan dee maalin keliya muxaafid kuma noqon karno, laakiin markii uu ururku laba u kala jabay waxaanu qaybtayaduna garanay inaanu ku biirno KULMIYE oo aanu wax la yeelano bahdii mucaaradka ahayd ee aanu hore u ahayn wax la yeelano, waayo hadii aanu anaga oo shalay mucaarad ahayn hadii aanu maanta muxaafid noqono oo UDUB ku biirno waxa na hortaal waar maxaad diidayseen, maxaase is bedelay, laakiin saaxiibadayo waanu ku ixtiraamaynaa ra’yigooda, kumana caayayno mar hadii ay iyagu sidaa dan moodeen, balse anagu waxaanu leenahay mucaaradnimadii ayaanu ku adkaysanaynaa, waxaanuna bah la noqonaynaa cidii aanu markii hore bah la ahayn ee aanu meel ka soo wada jeednay"ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Ibraahin dhegaweyne. Hase yeeshee gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa intaa ka dib hadalka la wareegay, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay, "Xubnaha ururka ASAD ee uu hogaaminayo gudoomiye-kuxigeenka koowaad, C/raxmaan Aw-Cali iyo gudoomiyaha golaha dhexe, Ibraahin C/laahi Xuseen iyo xubnaha xisbiga KULMIYE ee halkan jooga waxaan leeyahay aad iyo aad baan ugu faraxsanahay munaasibaddan aynu isugu nimi, waxayna ahayd mid aan weligayba anigu ku taamayey, waxaana u arkaa maalin qiime weyn u leh mustaqbalka Somaliland, sida ay sheegeen walaaladaydii iga horeeyey labadan urur waxyaalo fara badan ayey bah ku ahaayeen, waayo waxaanu wada taagnayn mawqif ah in xaaladda dalku marayo wax laga bedelo, una taagan dalka nidaamkiisa iyo xukunkiisaba la toosiyo iyo sidoo kale waxa naga dhexaysay wax taariikhiya, waayo waxaanu soo wadaagnay halgan dheer, sidaa darteed waxay ahaayeen labada urur ee dabiiciyan ay ahayd inay midoobaan, markaa ragga ASAD ee ku soo biiray wax weyn ayey ugu fadhidaa xisbiga KULMIYE, waxaanuna ku soo dhowaynaynaa qalbi furan, anaga oo leh laga bilaabo saacadda walaalayaal ma jiro wax faraq ah oo inoo dhexeeyaa hadii ay tahay xisbiga hogaankiisa, taladiisa iyo arinkiisaba tahay waa mid aynu si buuxda u wada leenahay."

Axmed-Siilaanyo waxa uu sheegay in ka dib doorashadii golayaasha degaanka uu xisbigiisu mar walba naawilayey, isla markaana arin muhim ah u arkayey inay la bahoobaan oo ay garabkooda helaan ururadii aan ku soo bixin doorashadii dawladaha hoose, isaga oo sheegay inay jiraan dhinacyo ku soo biiray iyo weliba qolooyin ay wada hadalo u socdaan, laakiin qolada ASAD ayuu ku tilmaamay qoladii u horaysay ee ay si rasmi ah u bahoobaan ama u midoobaan. "Waynu ognahay bini’daanku taariikh iyo wax la wadaago ayuu ku socdaa, isla markaana mawaaqif iyo mabaadi’ ayuu u taagan yahay, laakiin hadii ay taa wax iska bedelaan yeelkeeda, balse inagu mabaadi’dii aynu ku taagnayn ee aynu u halgamaynaynay ayeynu ku taagnaanaynaa, taas ayeynuna dalkeena iyo dadkeena ku hogaamin doonaa"ayuu yidhi, Axmed Siilaanyo, laakiin waxa uu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey in wixii farsamo ah ee la xidhiidha arinta midowgooda ay goor dambe isla meel dhigi doonaan. 

Hase yeeshee markii ay khud-badihii dhamaadeen ayey hogaamiyayaashii labada dhinac inta ay kuraasta ka hinqadeen salaan gaadda isu dhiib ah isku boobeen. Hase yeeshee qaybta ASAD ee la bahoobay xisbiga KULMIYE qoraal ay saxaafadda u qaybiyeen madashii midowga ka dib waxay ku xuseen ilaa 25 xubnood oo garabkooda ah oo ka kooban golaha dhexe iyo guddiyada hogaaminta ururka, waxayna xubnahaasi kala yihiin:

1- C/raxmaan Aw-Cali Faarax (Gudoomiyaha kuxigeenka 1aad), 2- Ibraahin C/laahi Xuseen (Gudoomiyaha golaha dhexe), 4- Ciise Curaagte (Golaha dhexe), 5- Muuse Giire (Golaha dhexe), 6- Axmed Xasan-waysacadde (Golaha dhexe), 7- Faysal Axmed X. Aadan (Guddiga fulinta), 8- Siciid Cilmi Rooble (guddiga fulinta), 9- Cumar Nuur Cismaan (gudiga fulinta), 10- Cabdalle Xaaji Cali (golaha dhexe), 11- Cismaan Cabdi Ismaaciil (golaha dhexe), 12- Maxamed Muuse Abees (golaha dhexe), 13- Maxamed Axmed Seyidi (golaha dhexe), 14- C/kariin Maxamed Xaashi (Golaha dhexe), 15- Cumar Aadan Kaahin (golaha dhexe), 16- Cali Cabdi Diini (golaha dhexe), 17- Xuseen Axmed Caydiid (golaha dhexe), 18- Maxamed Xasan tulux (Golaha dhexe), 19- Maxamed Shide Khayre (golaha dhexe), 20- Cabdalle Faarax Xarbi (Golaha dhexe), 21- Maxamed Daahir Warsame (golaha dhexe), 22- Yuusuf Faarax Sharma’arke (golaha dhexe), 23- C/raxmaan Raabi Liibaan (golaha dhexe), 24- Qaasin Ismaaciil (golaha dhexe) iyo 25- Cali Geenyo (golaha dhexe).

Top


Wararka Dibadda 

Shir-Madaxeed U Furmay Dalalka Dhexdhexaadka Ah

Kuala Lampour (W.Wararka) - Shir-madaxeed ay ku kulmayaan 114 hoggaamiye oo ka tirsan dalalka xubnaha ka ah ururka dalalka ay siyaasadoodu dhexdhexaadka tahay ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo caasimadda dalka Maleeshiya ee Kuala Lampour, iyadoo lagu wado in qodobada ugu waaweyn ee ay isla soo qaadayaan ay ka mid noqdaan xiisadda dalka Ciraaq iyo dhibaatada ka taagan Bariga Dhexe.

Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalkaas oo shirkoodii hor-dhaca ahaa soo gebogebeeyay maalintii shalay ayaa ka soo saaray go’aano ay horgdhigayaan Madaxda dalalkaas, waxaana ka mid ah qaraar ay ku taageerayaan dhisitaanka dawlad reer Falastiin ah, waxaase la sheegay in aanay dalalkasi isku waafaqsanayn waxa laga yeelayo xiisadda dalka Ciraaq oo la sheegay inaanay war rasmi ah kasoo saarin.

Waxyaabaha kale ee ay isla soo qaadeen waxa ka mid ah muranka ka aloosan hubka Nuclear-ka ee uu haysto dalka Kuuriyada Waqooyi oo la filayo inay ugu baaqaan in dalkaasi uu joojiyo faafitaanka hubka halista ah.

Dalka Ciraaq oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururkaasi, waxa laga yaabaa in ay dalalkaasi ay isku dayaan sidii ay isugi keeni lahaayeen mawqifkooda meel dhexdhexaad ah, ayna ku baaqaan in arrintaasi lagu dhammeeyo xal nabadgelyo.

Madaxda ilaa iyo hadda soo gaadhay shirka waxa ka mid ah hoggaamiyaha Kuuba Fidel Castro, haweenayda Madaxweynaha ka ah Indonisiya Migarnawati Sukarno Puti, Ra’iisal-wasaaraha Hindiya, Ataal Biihaar Fajbaayee, iyo Madaxweynaha dalka Baakistaan Barwiis Musharaf, iyadoo la filayo in Madaxda dalalka kalena ay soo gaadhaan furitaanka shirka.

Waxa kaloo shirka ka qaybqaadanaya wufuud ka socota dalalka Ciraaq, Iiraan iyo Kuuriyada Waqooyi oo ay is-hayaan Dawladda Maraykanka, isla markaana la filayo inay arrimahoodu shirku si weyn uga hadlo. Dalalka xubnaha ka ah ururka ay siyaasadoodu dhexdhexaadka tahay, haatan ma laha ahmiyad siyaasadeed iyo miisaan toona marka la eego arrimaha caalamiga ah, balse waxa codkooda sare u qaadaya tiradooda aadka u badan iyo marka ay isku geeyaan codkooda oo dhan.

Shirkan waxa lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay isugu yimaadaan dalalkaasi, tan iyo 1995-kii, iyadoo ay soo food-saartay muddadii intaa ka dambaysay is-faham la’aan xagga Siyaasadda ah.

Ururka waxa la aas-aasay 1955-kii, iyadoo looga jeeday in dalalka soo korayaa ay kaga badbaadaan dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyay quwadihii ay kala hoggaaminayeen Maraykanka iyo Midowgii Soofiyati ee burburay.

Top


Maraykanka Oo Diyaar U Ah Weerar Iyo Ciraaq Oo Gaashaanka Ku Dhufatay Wadahadal

Washington (W.Wararka) - Mas’uul sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadoodu ay haatan diyaar u yihiin weerar ay ku ekeyaan dalka Ciraaq, diyaar-garowna ay ku jiraan, isagoo ku qiyaasay ciidamada haatan ka jooga Maraykanka dalalka jaarka la ah Ciraaq 200,000 oo askari oo kala-badh ka mid ahi ay deggan yihiin dalka Kuwayt.

Af-hayeenku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Maraykanka iyo Ingiriisku ay hastaan ciidamo aad u farabadan oo ka jibo-keena dagaalka haddii uu Madaxweyne Bush go’aansado inuu weerar ku qaado Ciraaq, balse wax tiro go’an ah muu sheegin.

Sida ay ku soo waramayaan suxufiyiinta ku sugan Washington, tirada haatan la sheegay ee ciidamada Maraykanku aad bay uga yar tahay tiradii ciidamadii xulafada ee la isugu keenay Khaliijka dagaalkii Khaliijka ee lagu xoraynayay Kuwayt, kuwaas oo ay tiradoodu gaadhaysay Malyuun badhkii, balse waxa la sheegay in ciidamada Maraykanku ay sidii hore ka karti badan yihiin, isla markaana uu Maraykanku malaynayo in ciidamada Ciraaq ay sidii hore ka diciifsan yihiin.

Dhinaca kale, ku xigeenka Madaxweynaha dalka Ciraaq, Daaha Yaasiin Ramadaan ayaa sheegay in dawladdiisu ay kasoo horjeedo inay wax wadahadal ah la yeelato Maraykanka, ilaa ay joojiso waxa uu ugu yeedhay gardarada caddaanka ah iyo faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalka Ciraaq, isagoo intaa ku daray in dawladdiisu ay soo dhoweynayso inay xidhiidh fiican la yeelato dhammaan dawladaha kale, marka laga reebo Dawladda Israa’iil.

Isagoo ka hadlayay baadhayaasha hubka waxa uu sheegay inay ahmiyad weyn siin doonaan sidii ay iskaashi buuxa ula samayn lahaayeen baadhayaasha hubka, isla markaana ay u dhinac istaagi lahaayeen dawladaha hiilka iyo hooda u muujiyay Dawladda Ciraaq muddadan ay ku jirto dagaalka uu la maagan yahay Maraykanku.

Arrimahani waxay kusoo beegmeen iyadoo ay Dawladda Maraykanku dedaal xoog leh ugu jirto sidii ay u kasban lahayd dalalka xubnaha ka ah golaha amaanka ee Q. Midoobay si ay usoo saaraan qaraar cusub oo fasaxaya in weerar lagu qaado Ciraa, taasoo ay dawlado badani diidan yihiin, hormoodna ay u yihiin dalalka Faransiiska iyo Jarmalku.

Top


9 Qof Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Maqaam Shiicadu Leedahay Dalka Pakistan

Islama-bad (W.Wararka) - Sagaal qof ayaa ku dhintay kadib markii maalintii Sabtidii ay dablay hubaysani rasaas ooda kaga qaadeen goob ay ku cibaadaysanayeen dad muslimiin Shiico ah magaalada Karachi ee dalka Baakistaan, iyadoo ay qaar kaloo badana ku dhaawacmeen. Sida ay sheegeen wararka kasoo baxaya Booliska dalkaasi dablaydu waxa ay ku fureen rasaasta goobta oo ahayd maqaamka Imaam Baraaka, iyadoo ay halkaa soo gaadheen dad doonayay inay ku tukadaan salaada Cishaa’i.

Ilaa iyo hadda cidi may sheegan inay iyagu fuliyeen weerarkaasi, balse waxa caado ahayd weerarada ay is-dhaafsadaan muslimiinta Sunniga ah oo iyagu ah aqlabiyadda u badan dalkaas iyo dadka Shiicada ah oo laga tiro badan yahay, taasoo galaafatay nolosha dad boloqolaal qof gaadhaya sanadihii lasoo dhaafay.

Waxa la sheegay in maqaamka ay ku sugnaayeen 25 qof oo doonayay inay goobtaa ku tukadaan, markaas oo ay albaabka yimaadeen ugu yaraan 3 nin oo hubaysan oo watay mootooyin, isla markaana ay rasaas ooda kaga qaadeen iyagoo kadibna baxsaday sida ay sheegeen dad goob-joog ka ahaa goobtaas.

Waxa la sheegay in dadka dhintay uu ka mid yahay ilme yar oo toddoba jir ah oo ku dhintay cusbitaalka saacado kadib markii weerarku dhacay.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Hanala Siiyo Mushaharka Ciidanka Qaranka

Anaga oo ah muwaadiniin reer Somaliland oo ah dumarkii askarta Somaliland sidaad ogtihiin imika xaalad nololeedka Somaliland aad iyo aad ayay u adagtahay taas oo xataa biyihii ay qirin qiir galeen biyuhuna waa nolosha koowaad iyada oo jirikaankii lagu iibiyo 1500 SL kun iyo shanta boqolna ma heli karno taas oo ay u sababtahay mushaharada askarta oo ah 150 kun oo waliba ah saddex bilood oo isa saar ah noqotay, duruufta kale oo iyana meesha taalaa waxa weeye iyadoo dayntii nalagu aamini waayay oo xataa carruurtii iskuuladii nalaga soo eryay haddaba waxa aanu codsi u gudbinaynaa dadka ay khusayso ee hawsha qaranka loo igmaday in mushaharada nala siiyo bisha sodonkeeda sababta oo ah cidina kuguma aaminayso wax bisha kowdeeda ka dambeeya.

Waxa kale oo aanu ka codsanaynaa xukuumadda in naloo kordhiyo mushaharadda sababta oo ah ciidanka qaranku waa ka lagu hurdo ee nabada ilaaliya haddaba waxaanu leenahay ha loo dedaalo ciidanka qaranka ugu dambayna habartii dusheeda iyo dagalkay ku noolayd daruuruhu ku hooraan dadku inuu la wada qabo moodoo daad wararac bay tidhi.

Dumarka Ciidanka Qaranka
Cibaado Maxamed Yuusuf
Aamina C/laahi Rooble
Canab Yaasiin Warsame
Hargeysa

Top


Maanta Waa Maalintii Wax-Qabadka

Fahamka guud ee kulamada ayuu ku dhanyahay macnuhu haddiise aan sii iftiimiyo waxaan ugala jeedo aan soo kooba’e waxa jiray nidaamyo badan oo bulshadda soo kala dhaxlay marka la eego sida dawladda Somaliland ee maanta jirta taa waxa u soo maamulaysay tan iyo xiliyadii kala danbeeyay ee kolba dib loo dooranayay.

Tusaale ahaan xilka qaadkii iyo hebel hebel ku badalkii joogtada ahayd, taas oo kolba laga dhaxlayay in wixii xinkii hore dhigay kan dambe dumiyo si kastaba ha ahaatee marxaladaas iyo tan maanta la galay waxay isku yihiin xili kalaguura, iyadoo marka qof xil loo magacaabayo uu ku qiimayn jiray waqtigii hore sida ay meeshaasi dhadhan u leedahay, iyo sida ay ugu qalanto wayo waxaanay taariikhdu Iloobayn rag meel loo magacaabay oo 24 saacadood gudahood isku casilay haddii ay tahay runtii mel xaqira uu kartidiisa wax kaga gaadho, waxaynu odhan karnaa waqtigaa looma jeedin wax qabad umadeed waaqaca maanta taagan rag badan baa loolan u galay, ama ugu jira hase ahaatee aan wali ka korin wixii la soo dhaafay.

Waxaan leeyahay yaanay idiin dhuuman lafi, maxaa yeelay bulshadu waa tabcaan waxaanay fuushantahay meel taag ah oo ay wax kasta iyo qof kasta ka aragto ninka maanta doonaya inay umaddu doorato oo ay xil u dhiibato ha soo banbaxo oo ha ka soo baxo gododkii la gali jiray, sida godkii qabyaaladda iyo hebel baan ahaydii maanta waa la dhaafay xataa in qofka lagu xeeriyo wuxuu ahaan jiray.

Waxa laga sugayaa qofwalba wuxuu diyaar la yahay ee uu qabanayo waxaana iga digniin ah in maanta nin been meel isla soo taaga oo sheega waxaanu qabanayn, taa Ilaahay baa hore u diiday shacbiguna yeeli maayo. Waxaa taas ka wanaagsan wax yar oo aad rumayso, waxaa kaaga filan adiga oo yidhaahda cadaaladda oo kaliya igu daaya oo rumeeya oo ka miskiinka ah iyo ka wax haysta si isku mid ah albaabka dhakhtarka loogu wada furo oo ka la yaqaano ee magaca leh iyo ka aan la aqoon si isku mid ah maxkamaddu u dhagaysato markaas miyaanay haddii aad taa fuliso, noloshii oo dhan wada hagaajin. Jawaabtuna waa haa.

Ninka maanta umadu xil u dhiibato ee ka soo bixi waaya, ma haysanayo ummadda. Ka maalinta xilka laga wareejinayo aan loogu iman wixii lagu wareejiyay aayar la iska cafin maayo, sidii nin aan dambi galin.

Waxaanan hadalka ku soo koobay waar maanta waxa sharaf huwan doona, oo if iyo aakhiroba liibaani ninka umadiisa wax qabad u muujiya, waayo maanta waa maalintii waxqabadka.

Sh. Jaabir
Hargeysa 

Top


Duqa Cusubi Wax Ma Ka Beddeli Doonaa Hargeysa

Inkastoo aanan wax aqoon ah u lahayn duqa cusub ee dhawaan la doortay haddana sida dad badani aaminsanayahay waa nin aqoon iyo karti badan leh, balse waxa hortaala hawl aad u baaxad wayn oo u baahan in wax lagaga qabto samir, karti, iyo aqoon dheeraad ah. Haddaba waxyaabaha ugu horeeya ee la filayo in maayarku wax ka bedeli doono waxa ka mid ah kuwan.

  1. Nadaafadda iyo bilicda magaaladda.

  2. Hagaajinta Wadooyinka 

  3. Iftiiminta magaaladda

  4. kala habaynta suuqyada ganacsiga

Runtii hawlahaasi maaha kuwo si fudud wax looga qaban karo, laakiin wixii rag u kaco ee rabina aqbalo waa rumoobaan.

Waxaan kula talin lahaa in duqu arrimahaa aan soo sheegay wax uga qabto sedan:

  • Nadaafadda: Waa in la sameeyo goobo ka durugsan meelaha dadku ku badan yahay oo lagu ururiyo qashinka lana soo rogo amar lagu ganaaxayo dadka caadaysta inay qashinka is hordhigaan. Waana in la kordhiyo gaadiidka qashinka gura, lana sameeyo gawaadhi magaaladda ku dhex wareegta oo qashinka xaafaddaha ka gura.

  • Wadooyinka: Waa in laga xaadho Camuuda buuxisay jidadka iyo hareerahooda, laguna qaado olole ballaadhan. Marka la nadiifiyo waa in lala kaashado hay’adaha wadooyinka qaabilsan sida SRA, si ay u buuxiyaan meelaha burbursan. Waa in Dawladda hoose soo rogto amar lagu xayirayo, cid kasta oo daar ku leh jidka hortiisa ama laamidu hor marto oo ciid ku shuba wajahadiisa. Waa in dawladda hoose ku amarto dadka jidku hormaro inay iska sibdhiyaan hortooda, wadadana gaadhsiiyaan, kuwa aan awoodina waa in laga caawiyo.

  • Iftiiminta magaaladda: Waxa amaan iyo bogaadin leh wakaaladda korontada Hargeysa oo si fiican u taxday kaabadaha qaada laydhka, sidaa darteed waa inay ku rakibto khashaafadaha waaweyn ee wax ifiya.

  • Kala Habaynta Suuqyadda: Waa in mid kasta loo sameeyo suuq loogu hagaago sida suuqa qaadka, ka sarrifka, ka dharka, IWM.

Haddii waxaas oo dhan wax laga qabto waa run, inay Hargeysi noqon doonto muraayad dalka laga daawado. Balse waa ayaan darro in Hargeysi sidan sii ahaato.

Yuusuf Cabdi Maxamed
Hargeysa

Top


UDUB Ma Hay’ad Garsoor Bay Noqotay

Annagoo ah aqoonyahannada hoos ku magacan marwalbana si madaxbannaan uga hadala wixii wax u dhimaya haybada iyo karaamada midnimada iyo horumarka ummada reer Somaliland waxaan tixraacaynaa warsaxaafadeed uu ku soo saaray xisbiga UDUB wargeyska AL-XORRIYA oo ku taariikhaysnaa Sabti,22/02/03 tirsiga Vol. 1. Issue15 

Oo ay kaga jawaabayaan kuna xukumeen arrinta ay soo bandhigeen xisbiga SAHAN inay soo sharaxayaan Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Haddaba waxa is weydiin leh ururka UDUB ma wuxuu noqday hay’ad garsoor oo kala xukunta ururada iyo xisbiyada kale mise Udub waxay rabtaa inay u yeedhiso Maxkamadda sare iyo hay’adaha u xilka saarani inay ku jawaabaan siday iyagu u xukmiyeen taasoo ay rabaan inaan tartan xalaala lala galin.

Wax waliba waxay ku wacan yihiin in loo maro Protocol-ka iyo milgaha ay leeyihiin haddii kale arrintu waxay inaga noqon "Middi Middi ku tag."

Haddaan eegno qoraalka UDUB waxa afhayeenkoodu ku soo qaatay qodob ka mid ah qodobada u ogolaanaya ururka SAHAN inay soo sharixi karaan Madaxweyne iyo Ku Xigeen oo ah qodobka 35aad faq. 2aad ee Xeer No. 20/2001 haddana wuxuu ula kacay inuu ku micneeyo wakhtigii ururrada la diiwaan gashay ka hor Doorashadii degaanka oo uu ula jeedo in ururradu soo sharaxanayeen Madaxwene , ururkii Ilaysna sida uu sheegay uu soo sharaxay Madaxweyne doorashadii degaanka ka hor qodobkanna uu rabo inuu ku sharxo inuu wakhtigaa ku ekaa.

Waxan leennahay dadka aad doonayso inaad qaabkaa wax ugu sharaxdo waa dad kaa aqoon badan , Sharci yaqaan leh , Siyaasiyiin ah . Wakhtigaa aad sheegayso oo ka horreeyey doorashada degaanka waxa ururradu sharraxdeen ama lahaayeen Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen qodobkanina wuxu ka hadlayaa Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka madaxweynaha oo ah ta aynu hadda u diyaargaroobayno Urur iyo Xisbi diiwaangashanna u bannaan. Haddaba UDUB sideebay u tirtiri qodobadaa.

Waliba aan ku xasuusinnee xisbigaaga Udub oo ahaa xisbigii ugu soo horsharraxay Madaxweyne iyo xigeen wuxuu soo sharraxay ka dib markii natiijadii golaha degaanku dhammaatay taariikhduna waxay ahayd 26-27/01/03.

Waxanu ku soo gabagabaynayaa qodobadan iyo kuwa la midka ah ee ku qoran Distoorka iyo Xeerarka laga dheegay oo loogu talo galay doorashooyinka waxa qoray oo ansixiyay Hay’adaha Tashriiciga ah waxa u footeeyay dadweynaha Somaliland markaa UDUB waxanu leennahay Nasiibkiinna ka qaada oo ogolaada doorasho xalaal ah. Waxa ururradu ku samreen inay tartan idinla galaan idinkoo ku ololaynaya dhamaanba hantidii dawladda haddana gar maaha ummaduna kama dulqaadanayso inaad mar Power Dawladnimo adeegsataan mar Xisbi tihiin marna Garsoorba noqotaan 

Abdi Halim M. Musa
Abdi Abdillahi
Abdi Osman

Top


Nin Aamusay Habartii Qadisay

Seddexda murashax ee tartanka madaxwynenimada Jamahuuriyadda Somaliland u taagan oo kala ah Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin(Udub) Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo(Kulmiye) iyo Enjineer Faysal Cali Waraabi(Ucid), dhammaantood waxay ku khasbbanyihiin in murashax kasta soo bandhigo qorshihiisa siyaasadeed ee codadka uu ku wayddiisanayo shacabka reer Somaliland. Murashaxa kasta oo u taagan madaxweynenimada wuxuu mas’uul ka yahay inuu shacabka codka bixinaya u sheego iskana dhaadhiciyo habka iyo hannaanka u dalka ku maamuli doona shanta sannadood ee soo socda. Waxaa lagama maarmaan ah in telafishanka Hargaysa mar labaad ay isku dayaan xil weynna iska saaraan bal siday u suurta galin lahaayeen in seddexda murashax ee u taagan madaxtinimada dalka sidii dood daawasho loo dhex dhigi lahaa. Shacabka reer Somaliland waxay xaq u leeyihiin in murashaxa madaxwynenimo inay wax ka ogaadaan qorshahiisa siyaasadeed ee mustaqbalka iyo qaabka uu dalka u hoggaamin doono.

Shacabka reer Somaliland waa in aanay marnaba ku khamaarin aadna ugu fiirsadaan in aanay dooranin murashaxii lagu eedaynaayo in uu ummadda ka galay dambi la xidhiidha xasuuqyadii ka dhacay dalka xilyadii uu Siyaad Barre ku amar ku taaglaynaayay. Madaxweynaha Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxaa baryahan dambe ku soo kordhaya eedaymo la xidhiidha xasuuqyadii ka dhacay magaalada Berbera xiligaas oo u ka ahaa magaalada Berbera taliyaha ciidanka NSS ta. Xilliyadaa ciidamada Nss ta, dhabarjabinta, iyo hangashtuba waxay ahaayeen ciidamadii baqdinta xun ee naxariis darrada ah ku hayay shacabkan maanta ah Somaliland, ama sida tooska ahba loogu eedaynaayay inay xasuuqyadii dalka Somaliland ka dhacay si toos ah masu’uul uga ahaayeen. Wali tan iyo intii ay soo shaac baxday eedayntaasi, marnaba mudane Dahir Rayaale Kaahin kama uu hadal , manuu dafirin,isla markiibana ma uu qiran eeddaas.Waxaa jira maamaah Carbeed oo tidha "a sukuut calamata l ridaa" macnaheeduna yahay aamusnnaantu waxay kugu caddaynaysaa inaaad ogoshahay wixii lagu wayddiiyay ama lagugu eedeeyay, Siday Somaliyiba u tidhi nin hadli waayay habartiiba qadisay. Dad badan ayaa isweyddiinaaya madaxweynaha maxaa aamuusiiyay?

Maxaa marba shakhsi kale madaxweynaha uu u difaacaya? Musa Biixi se xaq ma u leeyahay in uu Madaxweynaha eedeeyo mise xaq uma laha? Aniga iyo muwaaddiiniin badan oo u dhashay Somaliland runtiina ra’yigoodu ka midaysanyahay eedayntaasi, waxaannu qabnaa anaga oo aan haba yaratee garsooryaal ka ahayn eedayntan, in muwaaddin kasta xaq u leeyahay in uu eedayn karo qof kale xita hadduu yahay madaxwyne, isla markaasna waajib ay ku tahay inuu soo bandhigo caddaymo meel mar ah oo sababaysan. Dadka qaar ka mid ah oo Madaxweynaha isle difaaca, ayaa shacabka ku qaldaya inay ceeb tahay in madaxweynaha la eedeeyo ama la eedayn karaba. 

Waxaan dadkaas leeyahay sharciga iyo qawaanniinta waa loo wada siman yahay, sharciguna isma badbaddalo mana eexdo, mana yaqaan ceeb iyo qof laga haybadaystotoona.

Sharcigu wuu ka sareeya madaxwyne,iyo dadkii sharciga dhidibada u taagayba. Mansabka madawynenimadu waa ka ugu sareeya uguna awoodda badan dalka, waxaa xaqiiq ah marba haddii ay meesha soo gasho eedayn khatarta intaasa le’egi, oo ah shacab xasuuqay, runtii ma noqonayso arrin sida dadka qaar u haystaan in uu u fududyahay ama u sahlanyahay mar haddaynu ka hadlayno dad ku dhow kumannaan qof oo rayid ahaa, soodhna qoorta laga jaray iyaga oon wax galabsan. 

Shakhsiyaadka lagu eedaynaayo xasuuqaa la sameeyay xiilliyadii Siyaad Barre, may ahayn shakhsiyaad gobol qudha ka soo wada jeeday, manay ahayn shakhsiyaad beel qudha ka soo wada jeeday , waxay se ahaayeen rajiim wada socday oo qaar ahaayeen reer Hargaysa, qaar ahaayeen reer Burco, qaarna ahaayeen reer Boorame iyo magaalooyin badan oo Somaliya iyo Somalilandba ka tirsan.

Eedayntan oo dadkii dibadaha dareen iyo warwarba galisay waxaa sida runtu tahay iska difaaci kara oo kaliya madaxweynaha Mudane Daahir Raayale Kaahin, Madaxweynaha oo iga mudan sharaf iyo ixtitraamba ayay maanta waajib ku tahay in uu ummadda u sheego sida ay wax u jireen dhinaciisa wixii uu ka ogaa iyo waxaanu ka ogaynba. Waxaa xaqiiq ah maalinta uu madaxweyne Raayale sii aamusabo ama ka warwareego ka hadalkeeda waxaa sii kordhaya oo isa sii biirsanaya tuhunka iyo eedaynta arrinkaa la xidhiidha.

Waxaan ku soo gunaanadaya qoraalkaygan in uu madaxweynuha looga fadhiyo iyada ay tahayna xilli doorasho sidii uu bal jawaabo fara badan uga bixin lahaa xaqiiqada runta ahiyo xilliyadaa uu xasuuqu ka dhacay magaalada Berbera, oo su’aalahani ka mid yihiin:

  1. Madaxweynuhu taliye ma ka ahaa xafiiskii NSS ta ee Berbera ka hor iyo 1988 illa dalka laga xoreeyay taliskii Siyaad Barre?

  2. Madaxweynahu wax ma ka ogaa mase maqlay in xasuuq ka dhacay Berbera?

  3. Madaxweynuhu wax luga ma ku lahaa falalkii xasuuqa, dad ku xidhnaa ama lagu laayay xafiiskii NSS-ta ma jireen. 

Qofna laguma sheegi karo inuu yahay dambiile illaa maxkamadi ay dambi dusha ka soo saarto mahaane, madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Raayale Kaahinna illaa hadda waxaa lagu haystaa inuu yahay eedaysane ka mas’uul ahaa xasuuqii Berbera, illaa haddana isaga ayaa laga sugayaa inuu shacabka uu madaxweynaha u yahay runta uga sheego xaqiiqada jirta!!!

Maxamuud Caydiid Lafcanbe
Toronto,Canada

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 92aad

Ganat: Adigu ma waxaad leedahay dadkaa wayaanaha ayaa laayey?

Mingistu: Oo hadaa yaa laayey oo kale, cid kale may layn ee wayaanaha (Tigraay) iyo Shacbiyada (Ereteriya) ayaa wada jir u xusuuqay dadkaa, waayo markii aanu dadkii habaynay ee isku dubbaridnay, qaarkoodna tababaro siinay ayey yidhaahdeen kuwan waxa damac kaga jiraa inay Itoobiya mid ahaato, ka dibna markaas ayey dadkii xasuuqeen, markii ay dhalinyaradii halkaa joogtay xasuuqeen ayey yidhaahdeen "Anaga markayagii horeba wax ciidan ahi nooma joogin Asimba". Hase yeeshee anagu meelahaaba maanu gaadhin, ta kale waqtigaa ciidankayagu waxa uu joogay Musawac iyo Baarenta.

Ganat: Hadii aydaan joogin goobta uu xasuuqaasi ka dhacay sidee baad markaa u ogaateen?

Mingistu: Markii ay dhibaatooyin badani dhaceen ka dib ayey anaga soo gaadheen, dabadeedna qaarkood markii ay ogaadeen inaan laga cafiyeyn dunuubihii ay galeen ayey qaarna duurka galeen, qaarna isa soo dhiibeen oo ay yidhaahdeen "Anagu kacaanka ayaanu taageersanahay, waxaana mawqifkayagu yahay inaanu wax u qabano ummadda Itoobiya, waxaanuna gacanta u galay maamul qaldan, waana nala xasuuqay, taasina may ahayn ujeedadii iyo aayihii aanu doonaynay ee aanu halkaa u tagnay, laakiin waanu khaldanay, ta kale taloxumadii maamulkagayagu xataa ummaddii ayuu isku kaayo dhuftay ee hanala cafiyo". Markii ay nimankaasi soo laabteen waxay ku biireen kooxihii kacaanka, ka dibna qaar ka mid ah waxa la siiyey derejooyin sarsare oo xataa qaar waxay ka mid yihiin dadka wayaanuhu xidhxidhay, laakiin hadii aan hadalka ku soo dhowaado anigu uma jeedo oo ma lihi qaladaad lama samayn, balse dhinac walba qalad waa jiraa, waxaase meesha taal dhinac ayuun baa muuqda oo qaladka la saarayaa, maxaase hadii la doonayo in xaqiiqda la ogaado loo baadhi waayey xaaladdii dadka shicibka ahi halka ay xiligaa maraysay, taas oo ahayd in la iswaydiiyo anagu imisa ayaan u ahayn, xoog intee le’eg ayaa nagu hareeraysnaa, qolyaha naga soo horjeeday ee midnimada diidanaa oo markoodii horeba hubaysanaa dhibaatooyin intee le’eg ayey u geysteen ummadda iyo waxyaale kale, markaas waxyaalahaas oo dhan in inta la baadho la hubsado ayaa loo baahan yahay.

Ganat: Xayle Fidaase bishii Ogost 1977-kii inta la qabtay oo gacanta lagu dhigay ayaa markii la hayey muddo hal sanno ah la dilay iyadoo markaa ay arimuhu iskaba soo wanaasganaayaan, sidaa darteed hadii uu Xayle Fidaase iska sii noolaado dawladd ma carqalad bay ku ahayd?

Mingistu: Laakiin hadii aan adiga ku su’aalo goorma ayuu dhintay Xayle Fidaase, yaase dilay?

Ganat: Horta waxa la dilay bishii Ogost sannadkii 1978-kii, cidda dishayse maxaan ka garanayaa, laakiin raqdiisii waxa laga soo saaray gurigii hore ee uu lahaan jiray Raas Asraat?

Minguistu: Anigu ma garanayo cidda dishay ninkaa, waxna kama ogi dilkiisa.

Ganat: Xayle Fidaase inuu dhintay miyeydaan ogayn, mise waxaad maqashay geeridiisa intii aad halkan timi?

Mingistu: Horta MA’ISA-du way naga tagtay markii uu soo kululaaday dagaalkii ay nagula jireen Somalida iyo Shacbiyadu (Ereteriya)...

La soco cadadka dambe .

Top


WAADIGA CIYAARAHA

C/Fataax M. Caydiid

Inter Oo Weli Daba-Socota Giggs

Milan (W. Wararka): Kooxda Inter Milan ayaa isku dayeysa in ay heshiis la gasho ciyaartoyga baalka uga ciyaara kooxda Manchester United ee Ryan Giggs dhammaadka xilli-ciyaareedka sannadkan.

Gudoomiyaha kooxdan Talyaaniga ah, Massimo Moratti ayaa cadeeyay in ay Inter xiisaynayso in ay kala soo wareegto Old Trafford 29-jirka Welsh-ka ah.

"Sannadkan waxa jira hadalhayn anaga ah oo in aanu doonayno Giggs ah, waxaanan u malaynayaa in ay weli kooxda Man United ku dhegan tahay. Waxaan rumaysanahay in qiimaha aanu u dhignay yahay mid macquul ah." Sidaa waxa uu u sheegay, Moratti Jariiradda The Sunday Mirror.

"Runtii waanu jecelnahay Giggs, waxaanu u soo bandhigi doonnaa qiime kale xilliga xagaaga," ayuu raaciyay, waxaanu ku sii ladhay Moratti, isagoo ka hadlaaya ciyaartoyga oo uu yidhi; "Waa ciyaartoy aad u wanaagsan oo ay jeclaan doonaan taageerayaasha halkani. Waxaananu hubnaa haddii heshiiska nalaga ogolaado, in aanu ku dhaqaaqi lahayn la wareegistiisa."

Jariiradda The Sunday Mirror, waxa kale oo ay sheegay inuu Giggs laftiisu rajaynayo inuu u wareego San Siro, sabab uu sheegay inuu kala kulmay qolka dharka layskaga beddelo ee Manchester United.

Waxa kale oo la sheegay in Giggs uu beryahan dambe bartilmaameed u ahaa taageerayaasha United, iyadoo la rumaysan yahayna in ay dhibaato soo dhexgashay oo kala kulmay qaar ka mid ah ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin, kuwii ay iskugu dhawaayeen.

Top


Tyson Oo Muddo Daqiiqad Ka Yar Dhulka Ugu Tuuray Feedhyahanka Etienne

Weli Waxa Ku Hadhsan Quwad Ba’an Gacanta Birta Ah Ee Tyson

Memphis, Ten (AP): feedhyahanka Mike Tyson, ayaa muujiyay inuu weli kari karo inuu feedh ku dilo, kadib markii uu feedhyahanka Clifford Etienne dhulka ug tuuray muddo aad u yar oo 49-miridh, waxaanu darbad gacantiisa midig ah ku Dhuftay oo uu ugu tuuray, taas oo kor u soo qaaday mooraalka Tyson.

Etienne, ayaa u muuqday mid si fudud looga badiyay, laakiin dhibaatada Tyson ee dibadda ka ah garoomada feedhka ayaa weli cakiran oo aanu weli xalin kari la’ yahay Tyson.

"Waxa jira mushkilado taagan oo u baahan in aan xaliyo," ayuu yidhi Tyson, waxaanu raaciyay oo uu yidhi; "Anigu waan damqanayaa, waxa I hortaagan mushkiladdo aad u adag oo aan la dagaalamayo."

Tyson waxa uu ku soo laabtay meesha keliya ee uu aad u yaqaano oo ah madasha lagu feedhtamo oo uu dhulka ugu tuuro kana helo guul uu aad ugu baahnaa, taas oo rajadiisa mustaqbal ee uu kula feedhtami lahaa feedhyahanada Lennox Lewis iyo Evander Holyfield soo noolaynaysa.

Etienne, waxa loogu tuuray dhulka oo uu u dhacay dhabarka, isagoo ku dhacay badhtamaha xadhiga feedhka, halkaa oo uu garsoorihii ciyaartu u tirinayay wakhtiga, balse muu karin inuu soo kaco Etienne, waxaanay ciyaartii feedhka ahay oo u muuqatay mid aan intaa ku dhammaanayn, haddana halkaa uu ku dhammeeyo garsoorihii.

"Waxaan joojiyay ciyaaro feedh oo aad u tiro badnaa intaa aan feedhka soo ciyaarayaya," ayuu yidhi Tyso. "Kamaan baqayn anigu, balse wuxuu isagu (Etienne) u baahnaa inuu helo lacagta, aniguna weligayba waan u baahanahay lacagta," ayuu raaciyay Tyson.

Tyson waxa uu isku dayay inuu caawiyo, waxaanu dul tegay Etienne oo uu u fidiyay gacanta si uu isu taago, taas oo ay 15,171 qof oo daawanayay ciyaarta kor u dhawaaqeen.

"Laga yaabaa in keliya aan ahay xayawaan si wanaagsan loo rabeeyay," ayuu yidhi Tyson.
Tyson, waxa uu ku ciyaarayay garoonkii hore uu ugaga badiyay Lewis bishii June ee sannadkii hore.

Tyson waxa uu ka soo jeeday midig oo uu hortaagnaa Etienne oo isagu dhabarka kaga Dhuftay feedh, waxaanay u muuqatay khalad, kadib Tyson gacantiisa midig ayuu ku feedhay oo uu kaga Dhuftay daanka, taas oo ku riday xadhiga madasha feedhka.

Markii Etienne dhabarka u jiifay, Tyson laftiisu waxa uu ka cabanayay dhabarka. "Waan ka jabay dhabarka, xataa ma garanayo sida aan halkan u taaganahay. Waa arrin cajiib ah," ayuu yidhi Tyson, isagoo intaa ku daray inuu shil dhugdhugley oo uu hore u galay ka soo gaadhay dhaawacani. "Dhakhtarka ayaa ii qaaday xarunta caafimaadka, waxaanay ahayd in aanan dib u dagaalamin. Laakiin, maxaa kale ee aan qabtaa? Waxa aan doonayaa in aan daryeelo reerkayga," ayuu raaciyay Tyson.

Dhakhtarka Tyson ayaa sheegay in dhaawaciisu yahay dhabarka, balse aanay taasi ka horjoogsanayn inuu ciyaaro feedhkiisa oo uu sii wato.

"Haddii aan run ahaan idiin sheego, diyaar uma ihi in aan la dagaalamo Lewis wakhtigan xaadirka ah. Waxaan u baahnahay in aan feedhadh badan ciyaaro. Ma doonayo in mar labaad la iga badiyo ama uu iga badiyo (Lewis)," ayuu yidhi Tyson, mar uu ka hadlayay inuu u diyaar u yahay inuu la feedhtamo Lewis.

Sida caadada ah Tyson, waxa uu soo galay ciyaarta isagoo gacmaha hore u tuurtuuraya, waxaanu is hortaagay Etienne ka hor intaanu tuwaalkiisa laabta kaga tuurin Etienne. Ciyaartu markii ay bilaabmatay, Tyson waxa uu ku dhufta dhawr feedh oo khafiif ah, ka hor intii aanu Etienne qabsan Tyson oo aanu ku riixin xadhiga madasha feedhka, labadooduba waxay bilaabeen in ay legdemaan, taas oo uu Tyson u dhacay jilbaha.

Feedhkii wuu sii socday, waxaanu Tyson la waayay darbad uu gacantiisa bidix la tiigsaday Etienne, ka hor intaanu ku dhufan darbadda uu ku dhammaystiray ciyaarta.

"Ma odhan karayo waxa ay ii ahayd muuqaal wanaagsan oo aan la imid ciyaarta, manay qaadan wakhti dheer. Laakiin waxa ay ahayd meel ay iskugu yimaadeen laba dagaalyahan." Sidaa waxa yidhi, Etienne.

Etienne, badiyaaba waxa uu u dhacaan dhulka, toddoba jeer ayuu ciyaar keliya u dhacay keligii. "Dariiqadan waata aan kula dagaalami lahaa isaga (Tyson). Sidee kale ee aan kula dagaalami kari lahaa. Waan fiicnahay. Waxa uu igu Dhuftay darbad keliya oo wanaagsan" ayuu yidhi Etienne.

Top


Ciyaartii AC Milan iyo Torino Oo Dib Loo Dhigay

Ciyaar ka mid ahayd ciyaaraha Serie A ee kooxaha Talyaaniga oo ay ku wada ciyaarayeen AC Milan iyo Torino sabtidii doraad, ayaa dib loo dhigay, kadib markii ay taageerayaasha kooxda Torino ee gurigeeda lagu ciyaarayay soo galeen garoonka gudihiisa.

Kooxda Milan ayaa ku hogaaminaysay ciyaarta 3-0 oo ay uu dhaliyeen ciyaartoyga Inzaghi iyo laba gool oo uu dhaliyay Clarence Seedorf, kadibna ay taageerayaasha Torino gadoodeen oo ay kuraasta jejebiyeen, kuna shiideen booliska oo ay khasab ku noqotay in ay isticmaalaan gaasta dadka kaga ilmaysiisa. Intaa kadib, taageerayaasha waxay soo dhaafeen xaajiskii Booliska oo waxay u soo dhaadhaceen garoonka, balse booliska ayaa horjoogsaday oo isku dayay in ay ka joojiyaan. Garsooraha ciyaartaas Luca Palanca, ayaa hakiyay ciyaarta Markii ay boolisku bilaabeen in ay u isticmaalaan gaasta sunta ah ee dadka kaga ilmaysiisa dadka gadoodsan, kadib markii ay waxyeelada suntu soo gaadhay isaga iyo ciyaartoydiiba. Iyadoo weriyayaasha qaarkood dhibaato kala kulmeen garoonka dibadiisa. Waxaanu booliska go’aansaday in ay joojiyaan ciyaarta, oo aan jewigaa la sii wadi karin.

Dhinaca kale, ciyaartii tan ka horeysay ayay kooxda Juventus ku guulaysatay Saddex dhibcood, kadib markii ay kaga badiyeen kooxda ugu hoosaysa kala horeynta kooxaha Serie A ee Como, waxaanay dhibceheedii noqdeen 48 dhibcood.

Weeraryahanka reer Uruguay ee Marcelo Zalayeta, ayaa lumiyay rigoore loo dhigay Juve daqiiqadii 7aad ee ciyaarta, balse afar daqiiqadood kadib kooxdan horyaalka ahi waxay hogaanka ciyaarta qabatay kadib markii ciyaartoyga reer Brazil ee difaaca uga ciyaara Como Juarez uu kubad karoon ahayd oo uu soo laaday Pavel Nedved ku dhaliyay goolka kooxdiisa.

Marco Di Vaio, ayaa u labeeyay Juventus goolasheedii, kadib markii uu ka faa’iidaystay daqiiqadii 22aad oo uu dhammaystiray kubad ka soo dhex siibatay difaaca Como oo uu soo baasay Nedved.

Natiijadii ciyaarta, ayaa shakiga ka baxday laba daqiiqadood ka hor dhammaadkii ciyaarta, markii Mauro Camoranesi madaxa ku dhaliyay goolkii saddexaad, kadib markii ay ku guul-daraysteen difaaca Como kubad uu soo karoosay Gianluca Pessotto.

Como waxa ya dhalisay goolkeeda keliya daqiiqadii 79aad oo uu u dhaliyay ciyaartoyga hore khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Juventus ee imika u soo wareegay Como, Fabio Pecchia.

Top