Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 276 February 25, 2003

Olole Dhinaca Caafimaadka Ah Oo Ka Bilaabay Awdal

Muxuu Ku Dambeeyay Dedaalkii Madaxweyne Rayaale Ee Gobolka Sool

HAMBALYO MEHER

Maxamed Kaahin KULMIYE Iyo UDUB Keebuu Ku Biiray?

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Tacsi

Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Oo U Fadhiistay Shir Ay Ku Dooranayaan Musharixiinta Madaxtinimada Dalka

"Waxaan Isleeyahay Waxbaad Soo Kordhin Doontaa, Waanan Ku Rajo Weynahay In La’i Doorto"

Xubno Musharaxiinta Madaxweyne-Kuxigeenka KULMIYE Ah Oo Cadhooday

RAADYOW MAQALOOCSHE

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Wakaaladda Biyaha Ceebteeda Maahee Waa Caadadeeda

Ururka Dhawaan Samaystay Suxufiyiintu Aqoon Ma U Leeyihiin

Kumaan Biirin KULMIYE

U Haanqaltaa Madaxweynanimada Somaliland Ee Fara Badatay

Dalalka Carabta Oo Si Weyn Iskugu Khilaafsan Qabashada Shir Madaxeedkooda

257 Qof oo Ku Dhintay Dhul Gariir Ka Dhacay Shiinaha

Shir Madaxeedkii Dhexdhexaadka oo Ka Furmay Malaysia

Waadiga Ciyaaraha

Lokomotiv Moscow VS AC-Milan

Romario Oo Heshiis 3 Bilood Ah La Saxeexday Naadi Dalka Qatar Ah

Paulo Cesar Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Xulka Kuwait


Olole Dhinaca Caafimaadka Ah Oo Ka Bilaabay Awdal

Boorama (Haatuf) Hawlo cusub oo la xidhiidha kor u qaadidda tayada caafimaadka iyo nolosha guud ee dadweynaha ku nool Gobolka Awdal ayaa ka bilowday deegaammo ka tirsan degmooyinka Baki iyo Boorama.Barnaamijkan cusub oo loogu magac daray baahida Asaasiga ah (priority needs) ayaa waxa uu ka koobanyahaytallaalka carruurta ee lixda cudur ee dili kara,kaasoo loo sameeyey qaab cusub ,tayeynta iyo joogtaynta adeegyada caafimaad, iyo taakulayn dadweynaha ee dhinacyada nadaafadda guud.

Sida uu ku soo wramay wariyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar, barnaamijkan oo ay iska kaashadeen wasaaradda caafimadka soomaaliland iyo Hay'adda WHO,oo taniyo shaly ka socda tuulooyinka Qulujeed,Boon iyo Ruqi oo ka tirsan degmooyinka Baki iyoBoorama ayaa kulan ;lagaga hadlayey faaiidooyinka barnaamijkan cusub shalay lagu qabtay tuulada Ruqi ee deegaanka Baki.Kulankan shalay oo ay kasoo qaybgaleen Isuduwaha wasaaradda caafiamaadka Gobolka Awdal dr.Cabdiraxmaaan jaamac hadi,Madaxa xarumaha MCHyada Gobolka Saciid Bile Buraale,maamulka deegaanka Baki, madaxdhaqameedyo iyo waxgarad kale oo ka tirsan deegaanka tuuladaasi.Hadal uu isuduwuhu u jeediyey ka qaybgeleyaasha shirkan ayaa waxa uu uga warramay ujeedada ka dambaysa barnaamijkan cusub oo uu ku tilmaamay mid adeegyada caafimaad ay wada qaybsanayaan dadweynaha deegaanka iyo hay'adaha caafimaadka gobolku si loo helo tayeyn iyo joogtaynta caafimaadka.'' 

Ma aha inaan kolla kiniin lasoo orodno kolla tallaal lasoo orodno,kuwaasoo cidda heshay ama cidda u baahan an ogeyn,oo saddex ama laba casho kadibna an sii orodno maxaa la idiin taray ''ayuu yidhi Dr. Hadi.Isaagoo sii wata hadalkiisii ayaa waxa kale oo uu yidhi'',Haddii ad cabbaysaan biyo wasakh ah o shuban laga qaadayo,annaguna an carruurtiinna ka tallaalaynno shubanka maxaan idiin tarray ama annagu an ku daalay .sidaa darteed waxa loo baahanyahay inaan iska kaashanno oo waxaad qabsan kartaan ad qabsataan annaguna an idinka taakulaynno waxaad itaal u waydaan .'' Kulankan shalay waxa kale oo iyaguna ka hadlay xubmo isugu jiray maamulka deegaankaBaki,hawlwadeenada Hay'adda WHO, iyo madaxdhaqameedyo.Saddexdan Casho ayaa guud ahaan degmooyinka Boon,Qulujeed iyo Ruqi loogu talo galay in 750 carruur ah lagaga tallaalo xanuunada lixda ah ee caruurta waxyeeleeya.

Top


Muxuu Ku Dambeeyay Dedaalkii Madaxweyne Rayaale Ee Gobolka Sool

Faallo - C/Qani Axmed Askar (Suxufi Madax-Banaan)

Ku dhowaad toddobaataneeyo maalmood ayaa ka soo wareegtay markii ay labada gole ee baarlamaanka Somaliland (Guurtida & wakiilada) fadhi wada jir ah oo ay ku yeesheen cod-aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerkii xukunka degdegga ahaa ee uu Madaxweyne Rayaale ku soo rogay gobolka Sool marka laga reebo degmada Caynaba oo aan ku jrin xukunka degdegga ah, wuxuuna xeerka xukunka degdegga ahi si rasmi ah debedda ugu soo baxay maalin ka dib markii ay Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisii ku soo hoydeen socdaalkii ay ku tageen gobolada bari oo uu ugu horeeyey gobolka Sool, iyaga oo weftiga Madaxweyne Rayaale magaalada Laascaanood kala kulmay weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen ciidamo hubaysan oo ka soo duulay dhinaca xarunta maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf ee Garoowe, waxaana dadka qaar weerarkaa ku tilmaamaan inuu ahaa ujeeddo badan.

Inkasta oo ay booqashadaa dadka qaar ku tilmaamaan inay ahayd talaabo uu Madaxweyne Rayaale ku dhiiraday, isla markaana culayskeeda iyo waxtarkeedaba lahayd, hadana waxa lagu tilmaamay mid aan lagu naajixin ka midhodhalinta ujeedadii laga lahaa booqashadaa, waxayna ahayd ujeedada ugu muhimsan ee laga lahaa socdaalkaa dedaal ay wadeen Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisu oo ay uga dan lahaayeen in si buuxda loo hanto maamulka dalka oo dhan, gaar ahaan degaamada bariga Somaliland, sida gobolka Sool iyo bariga Sanaag, iyadoo oo socdaalkii Madaxweyne Rayaale iyo ujeedadiisa oo lagu guulaystaa ay door muhim ah ka ciyaari lahayd taamyeelidda iyo midnimada qaranimada iyo jiritaanka jamhuuriyadda curdinka ah ee Somaliland. Hase yeeshee dhinaca kalena dadka qaar ayaa aaminsan inay jirtay ujeeddo u qarsoonayd Madaxweyne Rayaale, taas oo ay ku tilmaameen inuu doonayey inuu taageero siyaasadeed oo isugu jirta isaga iyo ururkiisaba ka soo kasbado dadka reer Sool, iyadoo la aaminsanaa inuu aqoon badan u leeyahay dadka reer Sool, waayo muddo badan ayuu ka soo dhex-shaqeeyey, isla markaana waxa intaa u dheerayd abtirsiimadii siyaasiga ahayd ee dadka reer Sool iyo dadka reer Awdal hore u wadaagi jireen, taas oo ay dadka labada degaan ku wada abtirsidaan USP. Laakiin halkii uu taageerada ka filayey weerar iyo wax aanu filayn. 

Aragtida ah inay safarka Madaxweynaha ku liqaansanayd arin siyaasadeed dadka ka hadlay waxa ka mid ahaa Muuse Biixi Cabdi oo safarka Madaxweynaha ku tilmaamay inuu ahaa olole siyaasadeed oo ku saabsan sidii uu taageero ugu soo heli lahaa ururka UDUB, laakiin Madaxweyne Rayaale taa jawaab kulul ayuu ka bixiyey, wuxuuna sheegay inaanay ujeedada socdaalkiisu sidaa ahayn, balse uu meesha tagey isaga oo ah Madaxweynaha Somaliland, una socda hawl qaran.

Weerarka la kulmay Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisa waxa uu kala dhantaalay qorshihii laga lahaa gobolka Sool, waxayna dawladdu dhacdadaa ku micnaysay nabadgelyo daro, ka dibna Madaxweyne Rayaale xukun degdeg ah ayuu ku soo rogay gobolka Sool, laakiin ka mid ah ururada mucaaradka ah ayaa iyagu ka biyo-diiday, kuwaas oo isu arkayey inay dadka reer Sool kaga taageero badan yihiin ururka UDUB, sidaa darteed taageeradii ay halkaa ka heli lahaayeen laga ciidaynayo.

Si kasta arintu ha ahaatee ilaa waqtigan xaadirka ah waxa gobolka Sool saaran xukunkii degdegga ahaa waxa la gudboon Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa inay waqtiga yar ee u hadhay inay tuur iyo golxo waxay isu yeelaan-ba ku talaabsadaan hawl-galo ay maamulka ku gaadhsiinayaan degaamada bariga Somaliland, sida gobolka Sool iyo bariga sanaag, laakiin waa inaan keliya lagu ekaan xukunka degdegga ah ee la saaray gobolka Sool. Sidoo kale si aan loo duudsiyin xaqa ay dadka muwaadiniinta ahi u leeyihiin inay codkooda dhiibtaan waa inta ka horaysa amminta loo cayimay inay dhacdo doorashada madaxtooyada gobolka Sool laga qaado xukunka degdegga ah ee saaran, iyadoo taa la raacinayo talaabooyin kale oo wax ku ool ah.

Top


HAMBALYO MEHER

Aabo Aadan Habane Maxamed, Hooyo Caasha Cusmaan C/Laahi, Hooyo Sahra Warsame Aadan, Hooyo Gudoon Yuusuf Gudaal, Hooyo Shurgi Axmed Cali, Iyo Dhamaan Carruurtooda, Maxamed Aadan Habane, Iyo Caruurtiisa, Canab Aadan Habane, Iyo Carruurteeda, Ilhaan Aadan Habane Iyo Caruurteeda, Hinda Aadan Habane Iyo Carruurteeda, C/Casiis Aadan Habane Iyo Xaaskiisa, Ibraahim Aadan Habane, Ismaaciil Aadan Habane, Farduus Aadan Habane, Cumar Aadan Habane, Rooda Aadan Habane, Ubax Aadan Habane, Nimco Aadan Habane, Huda Aadan Habane, Jaamac Cabdi Habane Iyo Carruurtiisa, C/Laahi Cabdi Habane Iyo Carruurtiisa, Xaawa Cabdi Habane Iyo Carruurteeda, Khadra Cabdi Habane Iyo Carruurteeda, Maxamed Xasan Habane, Ismaaciil Xasan Habane, Ayaan Xasan Habane, Cabdi Xasan Habane, C/Fataax Xasan Habane, cawo xasan habane, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan

Axmed-Daahir Aadan Habane
Iyo Khadra Xaamud Cumar
Oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa 23/02/03 Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Aqal Galkooda Ku Gaadha Bash Bash Iyo Barwaaqo, Ubad Khayr Qabana Kala Hela Aamiin.

Hambalyo Meher
Dr. C/Raxmaan Cabdilaahi Maxamed Iyo Xaaskiisa, Axmed Cali Garas (Ma Qaloocshe), Axmed Maxamed C/Raxmaan (Afay) Cabdi Abokor Yuusuf (Boqor), Caasha-Layla Maxamed Maxamuud, Ismaaciil Aadan Habane (Habane), Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka 

Axmed-Daahir Aadan Habane
Iyo Khadra Maxamuud Cumar
Oo Meherkoodu Ka Dhacay 22/02/03 Magaalada Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Raaga Ubad Khayr Qabana Kala Hela Aamiin

Top


Maxamed Kaahin KULMIYE Iyo UDUB Keebuu Ku Biiray?

Hargeysa (Haatuf) Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka tirsanaa ururkii ASAD ee kala jabay ayaa beeniyay inuu isagu ku biiray xisbiga UDUB sidii hore loo baahiyay balse inuu haatan ku biiray xisbiga KULMIYE.

Waxaanu sidaa ku sheegay Maxamed Kaahin Axmed waraysi uu shalay siiyay saxaafadda. 

"Muddo ayay socotay oo aanu ka tashanaynay waxa aanu yeelayno anaga oo ahayn guddigii fulinta iyo golaha dhexe, markii arrintaa cod loo qaadayna waxaad maqasheen inuu jiray xubin ka tirsanaayd guddiga fulinta oo ka aamusay markii arrintaa cod loo qaaday xubintaasaan ahaa" ayuu yidhi Maxamed Kaahin isaga oo cadaynayay inaanu ku biirin xisbiga UDUB isaga oo intaa ku daray inuu isagu ka mid yahay xubnaha haatan go’aansaday inay ku biiraan xisbiga KULMIYE.

"Anigu haatan waxaan ka mid ahay xubnaha go’aansaday inay ku biiraan xisbiga KULMIYE" ayuu yidhi wuxuuse ka gaabsaday inuu cayimo tirada golihii dhexe iyo guddigii fulinta ee ASAD loo ogolaaday inay ku biiraan Xisbiga KULMIYE, wuxuuse sheegay in arrintaa haatan laga shirayo go’aankeedana la sugayo.

Mar la waydiiyay Maxamed Kaahin inay wax ka jiraan warar dhawaanahan sheegayay inuu la kulmay madaxweynaha wasiirna loo magacaabayo waxa uu kaga jawaabay, "Way jirtay inaan la kulmay madaxweynaha, waayo waa madaxweynihii dalka oo cid waliba way la kulantaa, inaanan wasiir ahayna haatan waad arkaysaa."

Maxamed Kaahin oo la waydiiyay waxa ay ka rajaynayaan ku biirista KULMIYE iyo in meesha wax lagu kala goosanayo waxa uu yidhi "Kolay ma jiro wax dabar u samayn kara dimuqraadiyada, anagu haddii aanu ASAD nahay waatanu hore uga sii qaylinanay oo waata markii doorashada deegaanka dhacday la yidhi "HORMOOD ASAD iyo SAHAN way hadleen iyagoo codadkii ka helay in ka badan 30% caalamkana ma jirto cid 5% heshay oo la yidhaahdo waad hadheen waxa meesha yimidna wuxuu ahaa anagoon lahayn waanu hadhnay waxay ahayduun aragtiyo mabdi’ ah balse wax gaar ah oo la kala goosanayaa ma jirto," ayuu yidhi.

Mar la waydiiyay inuu isagu isku soo sharaxayo tartanka madaxtinimada ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa waxa uu yidhi "Weli lama gaadhin balse ma jirto wax ii diidayaa". Isaga oo intaa ku daray inay ku qancayaan wixii go’aano ah ee ka soo baxa shirka u socda xisbiga KULMIYE.

Ugu dambayn mar la waydiiyay sida uu u arko xubnaha ASAD ee ku biiray UDUB waxa uu ku jawaabay, "Waxaan u arkaa fikir siyaasi ah oo ay keentay dimuqraadiyadu, iyadoo uu qofku xor u yahay inuu ku biiro meesha uu doono, markaa naqdi kuma samaynayo, ee waxaan leeyahay Ilaahay ha u barakeeyo," ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 – 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 93aad

Mingistu: IHABA-du miyaanay ahayn kuwii nagu yidhi "Dawladdan taagraysay maxaanu ka ag-qabanaynaa", ka dibna naga cararay, waayo waxay u arkayeen inaanu taag-daraynay, sidaa darteed waxay doonayeen inay helaan waddo ay kuraasta nagula wadaagaan, dabadeedna muddo badan markii ay mar-ba wax ku marmarsiinyoodeen ayey markii dambe naga yaaceen, ka dibna ninka la odhan jiray Masfin Kaasu iyo qolo uu ka mid yahay waxay u direen gobolka Sidaamo, sidoo kale Xayle Fidda iyo qolo uu ka mid yahay waxay u direen gobolka Wallaga, laakiin qolada Walaga loo diray iyaga oo jidka sii socda oo aan weli gaadhin ayey qolo beeralay ahi heshay oo ay laayeen.

Ganat: Qolada Walaga qabatay ma halkaas ayaa dhammaantood lagu laayey?

Mingistu: Haa halkaas ayaa dhammaantood lagu laayey.

Ganat: Laakiin qoladaa maydkooda waxa laga fagay guriga Asraat ee ku yaal xerada dhexdiisa?

Mingistu: Guriga Asraat waxa uu ahaa kaydka dawooyinka, markaa maxaa lagala doonay maydadka aad leedahay dhexdiisa ayaa laga soo fagay, waayo guriga Asraat wasaaradda caafimaadka ayaa codsatay in la siiyo si ay ugu kaysato daawooyinka ay debedaha ka keenayso, waana la siiyey, hawshaa kaydka daawooyinka ayaana loo isticmaali jiray, markaa anigu waxaan ogaa iyadoo aan gurigaa cid qudhi geli jirin ee uu ahaa kayd dawooyinka la dhigo.

Ganat: Anigu guriga aan sheegayaan waxa weeye ka ku yaal xaafadda sare ee u dhow kaniisadda Iyaasuus?

Mingistu: Asraat miyaanu guri qudha uun lahayn ma guryo kale ayaa jira, laakiin hadii uu jiro guri kale ma aqaan meel uu ku yaal, balse wax guryo ah oo uu Asraat leeyahay waxaan aqaan gurigaa kaydka dawooyinka ahaa ee aanu wasaaradda caafimaadka u fasaxnay inay isticmaasho, inay sidaa ahaydna hadii aad doonto adiga laftaadu waad soo ogaan kartaa.

Ganat: Alla xaafadaasi waa xaafaddii aan anigu deganaa oo toos ayaan u garanayaa in halkaa maydad badan laga soo fagay, waxaana ka mid ahaa kuwa maydadkoodii halkaa laga soo fagay: Abuune Tewoofiloosi, Xayle Fiddaa, Dr. Nigist, Dajaashmaaj Haragoot, Dajaashmaaj Kaasa Walda iyo qaar kale, markaa taasi waa wax jira.

Mingistu: Ma jirto taasi ee iska dhaaf sidaa ha odhane, waayo suurta gal-ba ma aha, maxaa yeelay adiguba qiyaas oo maxaa Xayle Fiddaa halkaa geynaya, muu tegin halkaa, markaa maxaa lafihii raqdiisa halkaa geeyey.

Ganat: Waxa la yidhi waxay ahaayeen maxaabiis, ka dibna inta la laayey ayaa lafahoodii halkaa lagu aasay, taas miyaadan ogayn?

Mingistu: Oo waxan ku waydiiyey guriga Asraat ma xabsi dadka lagu ayuu ahaa 

Ganat: Jawaabtu waa haa.

Mnigistu: Hadii aad taqaan gurigaa imisa albaab ayuu leeyahay ?.
Ganat: Xagga sare marka aad u socoto ee raacdo wadada hor-marta safaaradda Masar ee aad hadana u leexato dhinaca kaniisadda Iyasuus ee aad ka baxdo meesha dalcadda ah ee buurta waa guriga weyn ee ku agyaal gurigii uu deganaan jiray gudoomiyihii OAU-yada, isla markaana markii la soo saaray lafihii dadkaa ninka la odhan jiray Abuune Tewoofiloos isaga waa la gartay, waxaana lagu gartay dharkii midoobaa ee uu xidhnaa oo ahaa lebis ay Amxaaradu xidhaan marka ay geeriyeysan yihiin iyo kabihii dacaska ahaa ee uu xidhnaa.

Mingistu: Cajeb, horta Asraat in waxyaalahaa aad sheegayso loo isticmaali jiray adiga ayuun baan haddda kaa maqlayaa ee hore umaan ogayn, umana maqal, ta kale xabsi wuu jiray markaa ma garanayo sababta guriga Asraat loo geynayey dad maxaabiis ah, sidaa awgeed anigu guriga Asraat waxaan garanayaa inuu ahaa kayd dawooyinka ah oo ay wasaaradda caafimaadka isticmaasho, weliba ninkii codsaday in gurigaa wasaaradda caafimaadka la siiyo waxa uu ahaa Dr. Tafara Wande, markaa anigu waxaan xusuusanahay in gurigaa kayd dawo loo isicmaali jiray oo keliya, laakiin anigu wax kale kuma ogayn , waxaanse ku waydiiyey dadka aad leedahay waa laga soo fagay ma Xayle Fiddaa oo qudhaa, mise qaar kalena waa laga soo fagay.

Ganat: Xayle Fiddaa iyo qolyihii kale ee aan hadda magacyadooda kuu sheegayey ayaa laga soo fagay?

Mingistu: Hadaba hadii ay arintaasi jirto keliya waxa ogaan karaya Tasfaaye Walda Salaase, laakiin anigu waxba kama ogi.

Ganat: Adigu ma waxaad ogayd in Xayle Fiddaa ay dileen beeralaydu?

Mingistu: Haa anigu sidaa ayaan ogaa, waayo qolyihii MA" ISO-du inta ay iswada kaxaysteen ayey baxsadeen, ka dibna si ay dadku u gartaan oo ay qabqabtaan, ka dibna u soo dhiibaan waxaanu faafinay sawiradooda iyo magacyadooda, ka dibna meel kasta oo ay mareen Gabareegii beeralayda ayaa helay, dabadeedna waxa la soo sheegay sidii ay isu lahaayeen is-difaaca ee ay u dagaalamayeen ,iyagana loola dagaalamayey ayaa gebigoodiiba la madhiyey, qolyahaasina markii ay baxsadeen waxa xataa jiray kuwo gaadhay meelaha xuduudaha ah, tusaale ahaan waxa kuwaa ka mid ahaa: Daaniyal iyo Xayle Fiddaa oo u kacay dhinaca Wallaga, dhinaca gobolka Siaamona waxa u kacay kooxo ay ka mid yihiin Tafara iyo Masfin, laakiin nimanka ay ka mid ahaayeen, Dr. Warqo, Dr. Alamu Ababe, Dr. Yayhiyiraad Qiidaw iyo qaar kalena ilaa ugu dambayntii anaga ayey nala joogeen oo waxay ahaayeen ISABA-dii, hase yeeshee ilaa inta aan xusuusanahay qolooyinkii MA’ISO-da ahaa ee firxaday waxa ka mid ahaa Xayle Fiddaa, Kabadhe Mangashaa, Daaniyal Tadhase, Masfin Kasaahum iyo Dr. Nigist Adaane...

La soco cadadka dambe.

Top


Tacsi

Jibriil Axmed Cali Yare Iyo Xaaskiisa, Saynab Dubbe Cali Yare, Maxamed Axmed Cali Yare Iyo Xaaskiisa, Cumar Dube Cali Yare iyo xaaskiisa, Cali Axmed Cali Yare (Cali Yufle) Iyo Xaaskiisa, Fowsi Dubbe Cali Yare Iyo Xaaskiisa, Ismaaciil Axmed Ismaaciil Iyo Xaaskiisa, Yaasiin Maxamuud Yuusuf Iyo Xaaskiisa, Digaale Axmed Ismaaciil Cali Yare Iyo Xaaskiisa, Xasan Cali Yare, Dhamaan Dadkaasi Waxay Tacsi U Dirayaan Marxuum Xaamud Maxamed Faarax Oo Ahaa Xoghayihii Degmada Sheekh Oo Ku Geeriyooday Jamhuuriyadda Jabuuti, Waxayna Ilaahay Uga Baryayaan Marxuumka Inuu Naxariistii Janno Ka Waraabiyo Ehelkii Iyo Qaraabadii Uu Ka Geeriyoodayna Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo Aamiin.

Tacsi
Aabo Sh. Xariir Sh. Cismaan Nuur, C/Salaan Xariir Sh. Cismaan, Siciid Jaamac Sh. Cismaan, Axmed Xariir Sh. Cimaan, C/Raxmaan Xariir Sh. Cismaan, Cusmaan Maxamed Sh. Cismaan, Beder Yuusuf Sh. Cismaan, C/Rixiim Cali Sh. Cismaan, C/Laahi Cali Sh. Cismaan, Mustafe Baashe C/Laahi Iyo Dhamaan Reer Sheekh Cusmaan Nuur Oo Kala Jooga Dalka Gudihiisa Iyo Dibadiisa Waxay Tacsi U Dirayaan Alla Ha U Naxariistee Marxuum Xaamud Muxumed Faarax (Xaamud Mulxush) Oo 22/02/03 Ku Geeriyooday Magaaladda Jibuuti Waxaanay Ilaahay Uga Baryayaan Marxuumka Inuu Janadii Ka Waraabiyo Eheladii Iyo Qaraabadii Uu Ka Geeriyoodayna Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo Aamiin. 

Top


Golaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE Oo U Fadhiistay Shir Ay Ku Dooranayaan Musharixiinta Madaxtinimada Dalka

Hargeysa (Haatuf): Golaha dhexe ee xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE ayaa shalay ka furmay hoolka shirarka ee guriga shaqaalaha magaalada Hargeysa, waxaana lagu wadaa in shirkaa lagu xulo musharaxiinta doonaya inay u tartamaan jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka, iyadoo la filayo inuu shirkaasi socon doono laba-saddex maalmood.

Shirka golaha dhexe ee KULMIYE uga furmay magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay xubnaha golaha dhexe ee xisbigaa oo ay ka mid yihiin shirgudoonka golaha dhexe iyo madaxda sare ee xisbigu, laakiin gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shirkaa furay, isla markaana ka jeediye kudbad uu tafaasiil kaga bixinayo ajandayaasha shirkan horyaal, waxaana ka mid ahaa waxyaalihii carrabka ku dhuftay ajandaha ugu muhimsan ee shirkan oo ah xulista musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka, sidaa darteed Axmed-Siilaanyo isaga oo ka hadlay arinta musharaxiinta wuxuu yidhi " Doorashada musharaxiinta golahaa ayaa lagu kala dooran doonaa, balse xisbiga KULMIYE cidda uu doono ha u doorto musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka, laakiin waxaan jeclahay inuu xisbiga KULMIYE ku guulaysan doono doorashada soo socota, aayaha ummaddana uu hanan-doono."

Axmed-siilaanyo waxa uu khudbadiisa ku sheegay in loo baahan yahay in xisbiga aad loo dhiso hadii ay tahay heer qaran, gobol, degmo iyo ilaa heer xaafadeed, iyadoo la dhisayo guddiyadii meelahaa ka hawlgeli lahaa, taasna waxa uu sheegay inay tahay hawl u taal hogaanka xisbiga, sidoo kale waxa uu ka hadlay doorashada madaxtooyada ee soo socota. "Hawsha aynu hadda gelaynaa waxa weeye hawshii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka"ayuu yidhi Siilaanyo, wuxuuna intaa ku daray "Waxaad xaq u leedihiin inaad doorataan musharaxiinta aad doontaan". Laakiin waxa uu sheegay inay guddiga sare ee fulintu arinta musharaxiinta isla soo eegi doonaan, ka dibna wixii talo ah maanta shirka horkeeni doonaan, iyadoo fadhiga maanta lagu wado in la doorto musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka, waxaana jagada Madaxweyne-kuxigeenka xisbiga KULMIYE uga sharaxan rag ay tiradoodu gaadhayso ilaa lix nin, laakiin jagada madaxweynenimada ilaa hadda Axmed-siilaanyo lama oga cid u taagan.

Khud-badda uu Axmed-siilaanyo halkaa ka jeediye oo ahayd mid aad u dheer waxa uu kaga hadlay waxyaalo badan oo la xidhiidha siyaasadaha xisbigiisa iyo guud ahaan xaaladda Somaliland, isaga oo markii uu barnaamijka xisbigiisa ka waramayey sheegay inay barnaamijka xisbigiisa kow ka tahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka midhodhalinta aqoonsiga Somaliland. Laakiin markii uu ka hadlayey barnaamijka xisbigiisa waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay xisbiyada iyo nimanka musharaxiinta ah ee u tartamaya madaxtinimada dalka isugu yimaadaan doodo ay ku soo bandhigayaan barnaamijyadooda si ay dadka u tusaan waxa ay u hayaan ama ku doonayaan inay ku hogaamiyaan. Waxa kale oo uu Axmed Siilaanyo dhaliilay siyaasadda dawladda ee degaamada bariga Somaliland, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay xukunka degdegga ah ee saarran gobolka Sool. Sidoo kale waxa uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo itoobiya, isaga oo walaac ka muujiyey xidhiidhka labada dal oo ku tilmaamay inuu shaki dal-daloolo leeyahay, isaga oo Itoobiya ku tilmaamay inay tahay saaxiibka ugu weyn ee Somaliland, laakiin buu yidhi, "Beryahan wax baa iska bedelay, dawladuna weli kama hadlin."

Waxa kale oo uu Axmed-Siilaanyo ka hadlay xaaladda dhaqaale ee Somaliland, wuxuuna si gaar ah u xusay miisaaniyadda dawladda, taas oo uu sheegay inay dawladdu gashay kharashaad bilaa xisaab ah, isla markaana aan la cadayn lacag badan oo kharashkii miisaaniyaddii 2002 debedda ka ah halka ay ku baxday, wuxuuna taa ku tilmaamay inay gef ku tahay distoorka iyo shuruucda dalka u taal, isaga oo golaha wakiilada ugu baaqay inay u yeedhaan hantidhawraha guud oo ay su’aalo ka waydiiyaan hantida dawladda.

Axmed-Siilaanyo arimaha uu ka hadlay waxa uu sheegay inay shicibku xaq u leeyihiin in laga shaafiyo oo laga siiyo jawaabo ku filan.

Top


"Waxaan Isleeyahay Waxbaad Soo Kordhin Doontaa, Waanan Ku Rajo Weynahay In La’i Doorto"

Maxamed/rashiid Sh. Xasan - Murashax Madaxweyne/xigeen 

Hargeysa (Haatuf): Maxamed Rashiid Sh. Xasan oo ka mid ah ragga xisbiga KULMIYE uga sharaxan inay ka qayb galaan tartanka Madaxweyne-kuxigeenka ayaa tafaasiil ka bixiyey sababta uu isugu sharaxay Madaxweyne-kuxigeenimada Somaliland iyo weliba sababaha uu u go’aansaday inuu hawlaha siyaasadda badhtanka u galo, iyadoo uu Maxamed-Rashiid muddo dheer ku soo dhex-jiray mihnadda saxaafadda, sidaa darteedna uu noqday suxufi caan ah oo dunida aad looga yaqaan, laakiin waraysi khaas oo uu wargeyska Haatuf la yeeshay horaantii toddobaadkan waxa uu jawaabo kaga bixiyey ujeedada uu leeyahay inuu waqtigan xaadirka soo dhexgalo hawlaha siyaasadda iyo muraadka ugu weyn ee uu ka leeyahay dhexgalka hawlaha siyaasadda, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Goormaad go’aansatay inaad xisbiga KULMIYE isaga soo sharaxdo Madaxweyne-kuxigeenka?

J: Inta badan qofku marka uu go’aan gaadhayo uma badna wax markaa uun u yimi, sidaa darteed iminka uun iguma ay dhalan inaan siyaasadda soo galo, laakiin waxa ka horeeyey waqti dheer oo aan siyaasadda Somaliland ku soo jiray, taas oo aan ka mid ahaa dadkii u ololayn jiray walaalaynta dadka reer Somaliland ee debedaha ku nool iyo u ololaynta aqoonsiga Somaliland, waxaynuna soo maray marxalado kala duwan, laakiin maadaama aynu ku jirno xili loo gudbay hanaanka xisbiyada badan, loona baahan yahay halgan weyn in loo galo wadanka waxaan u arkay inay muhim tahay inaan siyaasadda ka qayb qaato, ta kale dareenka siyaasaddu weligay waa igu jiray ee ma aha wax aan hadda uun ku soo booday, waxa kale oo aan bartay cilmiga barashada dadka iyo weliba cilmiga baadhista raad-raaca taariikhda, ururo dhawr ah oo caalami ahna waan ka mid ahay. Waxa kale oo aan ka mid ahaa dadkii ka soo horjeeday rajiimkii Somaliya ka talin jiray iyo burburkii xaqdarada ahaa ee Somaliland ku dhacay.

S: Hore waxaad u ahayd nin suxufi ah, mihnadda suxufinimadana waxa lagu yaqaan dhexdhexaadnimo, laakiin siyaasaddu dhexdhexaad ma leh, markaa sidee baad isu waafajinaysaa mihnadaadii suxufinimo iyo mihnadda siyaasadda?

J: Waa su’aal wanaagsan runtii, laakiin hadii aynu saxaafadda uun ku jirno oo uu arinkeenu naqdiga ah waa inay dawladnimadu noqoto wax tayo leh iyo waa in wax la hagaajiyaa aniga waxay ila noqotay inaanay sidaasi caqligal ahayn ee loo baahan yahay in hawshii hogaaminta laga qayb galo si wax loo sixi karo, isla markaana dalkeenu waxa uu u baahan yahay dad tayo leh oo hogaamiya, hadii taa la waayona waxa aynu doonayno ma helayno, sidaa darteed waxa loo baahan yahay isbedel weyn oo dhinaca dawladnimada ah, maantana waxaan u arkaa inuu wadanku isbedel u baahan yahay, markaa waxaan go’aansaday inaan isbedelka ka qayb qaato.

S: Mar hadii aad go’aansatay inaad siyaasadda ku soo biirto, Madaxweyne-kuxigeenna u sharaxan tahay waa maxay waxa cusub ee aad is leedahay waad ku soo kordhinaysaa?

J: Horta keligay waxba ma soo kordhin karo, laakiin hadii aan ku guulaysto madaxweyne-kuxigeenimada waxaan is leeyahay waxaad noqon karaysaa qof joogistiisu soo jiidan karto dad badan oo aqoon leh, ta labaad waxaan is leeyahay xidhiidhka dadka iyo wax wada qabsiga aad baad wax ugu soo kordhin karata, waxa kale oo aan is leeyahay waxaad wax ka qaban kartaa fududaynta hawlaha ay dalka ku soo kordhin karaan dadka debedaha ku nooli, maadaama aan aqoon iyo xog-ogaal u ahay dareenkooda iyo sida ay wax u doonayaan. Waxa kale oo aan is leeyahay waxaad wax ku kordhin kartaa dhinaca aqoontu.

S: Adigu waxaad ahayd suxufi dabeecad wanaagsan, siyaasaduna dadka way dabeecad xumaysaa baa la yidhaahdaa, taa ma is leedahay waad ka badbaadaysaa?

J: intuu qoslay ayuu yidhi "Nin baa igu yidhi maanta maalintaadii ma aha, waayo siyaasaddu way xun tahay, wax waliba waa musuqmaasuq, laakiin aniga oo og inay taasi jirto, hadana waa in loo badheedho duruufta oo laga shaqeeyo sidii loo keeni lahaa isbedel wax tar leh, waayo masuuliyad wadanimo, markaa siyaasadda Somaliland sida ay doonto ha u qaab xumaato, laakiin waa in loo badheedho in wax laga bedelo, aniguna waxay doonto ha ahaatee waan u soo diyaar garoobay, waxaana ka mid ahay dadka doonaya inay wax ka bedelaan siyaasadda Somaliland.

S: Madaxweynekuxigeen-nimada aad isu soo sharaxday niman kale oo dhawr ah ayaa isla xisbiga KULMIYE isaga soo sharaxay, markaa rajo intee le’eg ayaad ka qabtaa inaad ku soo baxdo?

J: Waxa la yidhi "Nin is-faanshay waa Ri’ is nuugtay" markaa horta anigu is amaani-maayo, laakiin waxaan is leeyahay dadka aad is taqaaniin way garanayaan waxa aad qaban karto iyo inaan ahay nin aqoon leh oo wax soo kordhin kara, markaa aniga waxa layga yaqaan inaan dadka wax dooranaya ku qanciyo waxa aan soo kordhin karo, horena waxaan u soo bandhigay doodo aan ku soo bandhigay waxa aan wax ku doonayo, waana bedelay qaabkii hore wax loogu dooran jiray oo doodo ku soo bandhigo barnaamijkayga, markaa dadka wax dooranaya ayey arintu u taal, waxaana ku rajo weynahay inaan ku soo bixi doono.

S: Hadii aad ku soo bixi waydo musharaxnimada Madaxweyne-kuxigeenka xisbiga KULMIYE maxaad yeelaysaa?

J: Hadii aan ku soo bixi waayo anigu shaqadayda ayaan halkii ka sii wadayaa, waayo waxa aan meesha ugu jiraa keliya ma aha in Madaxweyne-kuxigeen la ii doorto ee taasi waa wax yar oo ka mid ah, laakiin waxa iigu muhimsan ee aan maanta doonayaa waxa weeye in wax laga bedelo talada siyaasadeed iyo dhaqaale ee aynu maanta ku socono, taana hadii aan hawsha ku dhexjiro waxaa n u malaynayaa inaan ka heli karo meel aan wuxuun ka tari karo..

La soco cadadka dambe qayb kale oo waraysigaa ka mid ah oo uu Maxamed Rashiid kaga hadlayo waxyaalo xiise leh oo la xidhiidha xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo gobolka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Awdal iyo sababta uu u go’aansaday inuu xisbi mucaarad ah galo ee uu u taageeri waayey dawladda Madaxweyne Rayaale.

Top


Xubno Musharaxiinta Madaxweyne-Kuxigeenka KULMIYE Ah Oo Cadhooday

Hargeysa (Haatuf): laba xubnood oo ka mid ah musharaxiinta madaxweyne-kuxigeenka xisbiga KULMIYE ayaa sheegay inay ka baxeen xisbiga KULMIYE, kuwaas oo kala ah; Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Gaagaale) iyo mudane Aare waxay sidaa ku sheegeen qoraalo koob-kooban oo ay na soo gaadhsiiyeen xalay.

Mudane Cabdi-gaagaale waxa uu sheegay in shir ay yeesheen madax-dhaqameedka, aqoonyahanka iyo wax garad beesha Maxamed-Case ahi ay sheegeen inay ka tanaasuleen musharaxnimadii Madaxweyne-kuxigeenka, isla markaana sida uu sheegay ay kalsoonidoodii la noqonayaan, iyadoo la sheegay inay sababtana ku tilmaamay inuu xisbiga KULMIYE oofin-waayey heshiis ay sheegeen inay hore u wada galeen, sidaa darteed ay talo dambe isugu noqon doonaan sida ay ka yeelayaan danahooda siyaasadeed.

Sidoo kale Mudane Aare waxa uu ka mid ahaa xubnihii ururka ASAD ka tirsanaa ee ku biiray xisbiga KULMIYE, laakiin mudane Aare isaga oo ka hadlaya sababta uu uga soo cadhooday KULMIYE wuxuu yidhi "Anigu waxaan ka mid ahaa afartii xubnood ee ka kacay shirkii ASAD, kuna biiray KULMIYE, laakiin waxaan idiin sheegayaa inaan ka noqday KULMIYE, sababta aan uga noqdayna waxa weeye ragayagii oo ay badankoodii naga hadheen iyo ta labaad xisbiga KULMIYE oo aan u arkay inaanu cod doon ahayn ee uu ciidan doon yahay."

Dhinaca kalena ragga jagada Madaxweyne-kuxigeenka uga sharaxan xisbiga KULMIYE waxa ka mid ah Dr. Xaddi oo shalay ku dhawaaqay inuu yahay musharax Madaxweyne-kuxigeen, wuxuuna sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu xisbigu u dooran doono musharaxnimada Madaxweyne-kuxigeenka, isaga oo yidhi "Waxaan aaminsanahay inay dadka reer Somaliland I wada yaqaaniin waxa aan galo iyo waxa aan gudo, waayo muddo 35 sannadood ah ayaan dadka dhakhtar iyo siyaasi labadaba u ahaa".

Marka la eego xubnaha ka cadhooday xisbiga KULMIYE, Cabdi-Gaagaale iyo Aare waxay u muuqdaan inay isu arkeen inaanay ku soo baxayn musharaxnimada Madaxweyne-kuxigeenka, taasina ay keentay cadhada, iyadoo uu mudane Cabdi-Gaagaale xusay inay beeshiisu hore ugu soo dooratay musharaxnimada Madaxweyne-kuxigeenka, laakiin ay dhinaca xisbiga KULMIYE wax iska bedeleen.

Dr. Xaddi marka laga yimaado mihnadiisa dhakhtarnimo dhinaca kalena waxa uu ka mid yahay salaadiinta beelaha Samaroon ee degaankoodu yahay gobolka Awdal, laakiin sidoo kale ragga xisbiga KULMIYE uga sharaxan Madaxweyne-kuxigeenimada waxa ka mid ah labada nin ee kala ah, C/raxmaan Aw-Cali Faarax oo hore u ahaa gudoomiye-kuxigeenka ururka ASAD, laakiin dhowaan ku biiray xisbiga KULMIYE iyo Cabdi Xasan Buuni oo isna ka mid ah xisbiga KULMIYE, waxayna musharaxiinta Madaxweyne-kuxigeenka xisbiga KULMIYE dhammaantood dhalasho ahaan ka soo jeedaan gobolka Awdal.

Top


RAADYOW MAQALOOCSHE

A.A.Garas

Halkani waa Raadyow Maqalloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan dhuuqa iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq-miiska.

Dhegaystayaashayada dhegaha nugulow waqtigii aynu warqadda ku kulmi jirnay maanta waxaynu guda-galaynaa dhinacii barnaamijyada, waxaanan idin tiimbinayaa barnaamijkii caafimaadka, waxaana idin soo gaadhsiin doona Mr. Dr. Fayris Fur Kildhi:

"Dhararaan...giririin.... qululuu...qalalaam.. macal dhish dhax."

Waa barnaamijkeenii caafimaadka ka...ka...ka.... Maantana waxaynu ku soo qaadanaynaa cudurada qaadku faafiyo ee la yidhaahdo (Mirqaan Bakteeriya) iyo qayil dhot kom.

Ururka qaad-cunaaga, 
Cudur abuurtayaasha,
Habeen aan caajisaynin,
Naftooda camaalaqaaya,
Caqaarta raamsanaaya,
Caliyada daadinaaya,
Hala ciseeyee,
Dhiriin...dhiraan....dhish dhax.

Dhegaystayaal dadka mirqaanka u le’day oo qashinka Hargeysa ka farabadan, dadkaas oo u badan dhallinyarada raamsiga ku halgama iyo dadka raamsiga ku horumaray amuurtaas oo aanu ka waraysanay dhakhtar cudur oo ku takhasusay ayaa yidhi; "Dadka qaadka cuna waxay ku biiraan xoolaha xanuunadu ku dhacaan waa kuwa xoolaha oo kale, aalaabana dhakhaatiirtu dadka way ku asqabaan oo markay garan waayaan waxay ka dhergiyaan kiniin cad-cad, tuutaanik tirii.

Qofku qaadka marka uu cuno indhaha Riyaha oo kale ayuu yeeshaa, faraha ayaa cun-cuna, waa marka cidiyuhu u soo baxaan, xididada ayaa xanuuna marka dhegtu u soo baxayso, kadibna madaxa ayuu xoqdaa marka geesuhu usoo baxayaan, hadalka ayuu dedejiyaa oo sida Riyaha ayuu u ciyaa. Cudurada ku dhaca oo caalka iyo raaf-dilaaca u badan guud ahaan waxaa af-gaalka loo yaqaanaa (QQS, Syndrame) af-soomaaligana waxa lagu yidhaahdaa (Akaakow), aalaaba mujtamaca uu ku dhaco oo kala ah:

  • Jaad ku akaakow

  • Qabiil ku akaakow

  • Keeb ku akaakow

  • Kiro ku akaakow

  • Kaambayn ku akaakow

  • Sekad ku akaakow

  • Xawaalad ku akaakow

  • Xan ku akaakow

  • Xaasid ku akaakow

  • Faan ku akaakow

  • Iyo faataa-dhugle qaran

  • Cuduradaasi waxa lagu gartaa sidan;

  • Kolay maraan

  • Kolay macmiil

  • Baag shiish

  • Marfash khaawis

  • Qiri eri

  • Qaraabo ji

  • Qaad time

  • Bac cunis

  • Bac baadhbaadh

  • Bac ka nax

  • Bac la hadal

  • Bigays la hugun

  • Bakeeri jiidh

  • Qori tiris

  • Qoryo jejebis

  • Qori siib

  • Qaad qawad

  • Qaad qurxis

  • Qaad tuhun

  • Qado diid

  • Qoryo diirid

  • Raamsi gamle

  • Raamsi ganafle

  • Taqsiin dhawr

  • Qoryo qoryayste jaad

  • Qablaxan qawdhan jaad

  • Qarqariye jaad

  • Googooste jaad

  • Googooste qori qori

  • Googooste dhegdheg

  • Mirqaan bariiste jaad

  • Dikri caado jaad

  • Ijabane ku akaakow

  • Af ku xoogle jaadMafrish daleeye jaad

  • Mafrish qurxis

  • Abbableeye jaad

  • Karsade jaad

  • Tunte jaad

  • Tuhme jaad

  • Toon raacshe

  • Aleelaale jaad

  • Mirqaan bilaash

  • Ma qiyaaste jaad

  • Maqasle jaad

  • Garaabo baceeye

  • Garaabo riyo boobe jaad

  • Mirqaan soohde xadhig

  • Mirqaan wado gooye

  • Qabableeye jaad

  • Matayayste jaad

  • Mirqaan xaasid

  • Mirqaan jiidhe

  • Mirqaan jiifle

  • Mirqaan dhiile

  • Mirqaan taabteFarsameeye jaad

  • Isku dhufte

  • Kala dhufte

  • Isku siibe

  • Mirqaan dusleh

  • Mirqaan dafle

  • Mirqaan damle

  • Mirqaan dugle

  • Mirqaan duryan

  • Mirqaan cabasho

  • Mirqaan cataabe

  • Mirqaan waal waal

  • Barje higle

  • Barje gisle

  • Barje barasle

  • Mirqaan curri

  • Mirqaan laydhle

  • Mirqaan foorleh

  • Mirqaan matashade

  • Mirqaan magaadhe

  • Mirqaan malafsade

Cudurada ku dhaca dadka qaadka iibiya waa sidan;

  • Qalaadiye qaad

  • Fayl ku faan

  • Qarmace sare

  • Qarmace dhexe

  • Qawdhame hoose

  • Maqsin joog

  • Maqsin aakhir sabaan aw hebel ahaa

  • Baag jiid

  • Hoon dhiidhle

  • Muqawad hanjab

  • Muqawad af-maroorshe

  • Muqawad cigle

  • Habra laaye

  • Heblaayo dhawr

  • Iimaan laawe iska yeel-yeel

  • Gaadhi gabgable

  • Baarixi astur

  • Ina balaayo u yeedh

  • Ka dhakada weyn

  • Awrka Qaranka

  • Ilmagaaliyo hoo-ruug

  • Halaaq muqawad

  • Qaa’imad qiyaas

  • Qaali ku farax

  • Qaadiro ku naax

  • Ina hooyo u hanjab

  • Habro khalkhaliye

  • Carmal nuuge

  • Labada yaryar

  • Dhexmare dhexe

  • Qarxiye buulgal

  • Heblaayo jebis

  • Hayo dadar

  • Hawaara kaalay madhan

  • Heblaayo imasaa lasoo jiray

  • Amaahiye sare

  • Heblaayo calaacal

  • Qamar ganaaxan

  • Marwadii milicdu dishay

  • Baarixi qariya

  • Agoontii hebel

  • Hagbad eryato

  • Caasha qaanab

  • Cibaado qaaq

  • Maryan qaati bilaahi

  • Raxma yaa iga damiinta

  • Kolay kabiir

  • Ceebla bilaaba

  • Macmiisha wiirka

  • Maqsin ku nool

  • Muqawad ku ladan

  • Macmiil ku nool

  • Haasaawe xun

  • Caruur cadilan

  • Kolay ka dul cas

  • Xarago qaadhay

  • Buufis qaadhay

  • Subag ku baxday

  • Dabaqabsi ahayd

  • Geedkii ilaaqda

  • Iyo eegtihii heblaayo

  • Kolay arts

  • Kii macaanaa

  • Iyo kolayga buuga lahaa

  • Jibiskii jacaylka loo naqaystay

  • Lix iyo sodon iyo waxaan loo fadhiyin

  • Iska doonow ina af-diinle

  • Duhur dhiiba

  • Caways daydaya

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Gudidii Distoorka ahayd ee Culumada lama Dhisin Maxaa Laga Uriyay?

Distoorka qaranka wuxuu qorayaa in la dhiso guddi culimo oo distooriya, taas oo uu qeexayo qodobka amase maadada 115aad ee distoorka Somaliland, isla qodobkaasi waxa uu tilmaamayaa in ay soo xulaan guddida culumada gudi ka kooban xukuumadda iyo Guurtida, markaa sidii distoorka ay ansixiyeen golaha guurtidu.

Haddaba guddidii sidii distoorka loogu qoray lama oga meel ay cidhib dhigtay, waxana ku dambaysay lagu maqal lagumase arko, sidaa awgeed dadweynuhu waxay isweydiinayaan guddidii miyaa la Ilaaway oo qolyihii ku shuqul lahaa bay maskaxdooda ka baxday? Mise waa la xusuusan yahay ee ogaan baa dabool culus loo saaray?

Hadday jawaabtu tahay waa la ilaaway miyaanay haboonayn in ay imika xusuustaan oo ay magacaabaan guddidaa culimada, iyaga oo fulinaya distoorka dalka u yaala ee dadkuna ku ansixiyay codkooda. Haddiise la xusuusan waayo oo daboolka lagu sii adkeeyo, waxaa ka jawaabi doona dadka reer Somaliland ee ku abtirsada diinta Islaamka taariikhduna way xusi, waxa amaan mudan oon arrina seegin dadkii ku qoray distoorka qodobkaa, 

Nuur Sh. Maxamed
Hargeysa

Top


Wakaaladda Biyaha Ceebteeda Maahee Waa Caadadeeda.

Sidaynu wada ogsoonahay biyuhu waa shayga kaliya ee bani aadamku ku noolyahay ama ku dhisan yahay lafdhabartana u ah, la’aanteedna aan la noolaanayn inagoo haddaba waxaas oo dhan wada og "Ilaahay quraankiisa ku yidhi "Waxkasta waxaan ku noolaynaa biyo". Ayaa waxa soo baxay ayaamahan in wakaaladda biyuhu caado ka dhigatay inay dadka ku nool caasimadda Hargeysa biyaha ku cidhiidhido, habeen dhaafna u soo dayso, iyadoo lala yaabanaa markii horeba caadaysiga ay caadaysatay, habeen dhaafka ayaa waxay ku darsatay inay dadka biyahaba ka jarto maalmahan iyadoo cudur daar ka dhigaynaysa waxa xumaaday ijiinadii ceelashii ayaa la dhooba qaadayaa iwm, ayaa haddaba waxa isweydiin leh wakaaladda biyuhu ma dakhliga soo gala ayaa ku filnayn si ay baahida aynu soo sheegnay u daboosho? Maya lama odhan karo dhaqaale ku filan ma haysato.

Maxaa yeelay dakhliga soo gala maalintii wuxuu yahay markaan u kuurgalnay 60,000,000 SL. Sh.

Bishiina ay noqonayso 1,800,000,000. SL. Sh. Una dheertahay inta la lunsado.
Intana ay tahay inta ku dhacda dakhliga dawladda.

Haddaba miyaanay ahayn wax lala yaabo, iyagoo waxaas oo dakhliya haysta inay dabooli waayaan baahida biyaha iyagoo ka dakhli badan hay’adaha dawladda qaarkood.

Waxaynu ognahay in madaxweynihii geeriyooday Alle ha u naxariistee ugu deeqay mishiin wayn sanadkii 2001, mishiinkaasina yahay mid si fiican u shaqeynaya iyo mishiinadda kaleba.

Haddaba miyay tahay in injineerada wakaaladda biyuhu ku andacoodaan "Reer Hargeysaw ogaada in dhibicda biyuhu iyo dhibicda shidaalku isku qiimo yihiin."

Haddaba waxaan leenahay Injineerka hadalkaa yidhi (falaadhi gilgilasho kaagama go’do).

Masuuliyiinta wakaaladda biyuhu haddii guryahooda ay ku rakibeen beebab waaweyn iyo taangiyo biyaha kaydsadaan miyaanay ogayn in dadku u soo jeedaan biyaha waaguna ugu baryo iyagoon biyo helin, haddaba arrinkiina ma waxa weeyaan inaad madaxweynaha ku baadhataan si aad uga heshaan injiin sidii madaxweynihii horeba aad uga hesheen.

C/Raxmaan X. Nuur Cismaan
C/Qaadir Siciid Xuseen
Hargeysa

Top


Ururka Dhawaan Samaystay Suxufiyiintu Aqoon Ma U Leeyihiin

Asal ahaan waxa jirtay urur dhawaan samaystay oo la yidhaahdo ururka saxafiyiinta guddidaa ay samaysateen waxa uu ka kooban yahay 70 xubnood haddaba waxa isweydiin mudan ma xuma marka la eego in ay tahay mid loo baahan yahay haddii sidii la doonayay ay hawsha u qabtaan, laakiin waxa isweydiin mudan guddida suxufiyiinta ahi, ma yahiin dad aqoon iyo xirfad u leh mihnadan? Sida runta ah maaha laguma tilmaami karo dad aqoon u leh suxufinimada haddii laga tagi waayo, waxa jira dad ku dhaw dhaw waa mid ama laba la odhan karo waa ay ku dhaw dhaw yihiin.

Haddaba haddaan dulucda maqaalkaygan wax yar ka taabto waa in uu ahaado marka hore qofka suxufiga ahi sidan soo socota:

  1. Waa in uu aqoon iyo waayo aragnimo ballaadhan u leeyahay habka saxaafadda.

  2. Waa in uu yaqaanaa luqadaha mid kasta.

  3. Waa in uu aqoon waxbarasho u leeyahay ku saabsan saxaafadda.

  4. Suxufiga waxa ka caagan inuu qoro waxaan jirin oo beena ama aan jirin iyo waxyaabaha kale.

Haddaba haddaan dib ugu yara laabto ururka saxaafadda markaan indho indheeyay, waxa aan odhan lahaa in loo furo qaab ay ku bartaan saxaafadda sababta oo ah waxa ku jira qaar iyagu aan dhamaysan dugsi sare oo ku dhex jira guddida saxaafadda.

Marka aad eegto waraygeysyada qaarkood ee ka soo baxa magaalo madaxda JSL, waa laga helayaa suxufi isagu ku xeel dheer habka saxaafadda.

Haddaba aniga oo soo gaabinaya waxan odhan lahaa gudidan dhawaan ismagacaabay ha loo furo siminaaro inta aanay iskood isku magacaabin suxufiyiin.

Axmed Cali Muxumed
Hargeysa

Top


Kumaan Biirin KULMIYE

Tix raac cadadii Jamhuuriya ee 1951, iyo Haatuf ee 275, kuwaasoo ka hadlayay xubno ka tirsan golaha dhexe ee ururka ASAD oo ku biiray xisbiga KULMIYE, kuwaas oo uu ku jiray magacayga oo ah Yuusuf Faarax Sharma’arke, haddaba anigoo ka tirsanaa golihii dhexe ee ASAD isla markaasna xubin ka ahaa guddiga siyaasadda iyo abaabulka ee ururkaas, ayaa waxaan cadaynayaa inaana ka mid ahayn xubnaha ku biiray KULMIYE.

Waxaa jirtay shirkii ay iskugu yimaadeen 22/02/03 ay isugu yimaadeen guddiga fulinta iyo guddida joogtada ah ee ururka ASAD ayaan cadeeyay mawqifkayga shakhsiga ah iyo in aanan ka mid ahayn ragga ku biiray KULMIYE, waxaanan ahaa ninkii ugu dambeeyay ee u duceeya markii ay codsadeen in loogu duceeyo xisbiga KULMIYE Ragaas oo ay ka mid yihiin C/Raxmaan Aw Cali Faarax oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii ururkii ASAD, Cumar Nuur Cismaan (Aare), Siciid Cilmi Rooble, iyo Faysal Axmed Aadan oo ka tirsanaa golaha dhexe.

Sidaa awgeed waxaan si xushmad leh u hambalyaynayaa ragga ku biiray xisbiga KULMIYE, aniguna waxaan raacay halka uu maray ASAD weyne.

Yuusuf Faarax Sharma’arke
Hargeysa

Top


U Haanqaltaa Madaxweynanimada Somaliland Ee Fara Badatay

Waxaa la gudboon dadweynaha reer somaliland in qaranimadooda gooni isutaaga ah, nabadgaliyooda iyo danahooda gaarkaba in ay si foojigan u ilaalshadaan indhahana ku hayaan wax alla wixii waxyeelo u keenikara bulshadooda iyo wada noolaashadooda.

Sida aynu wada aragno, doorashadii madaxweynaha dalka waxaa ay janbiga u saarantay in ay fara kabaxdo. Sababtuna sharcigii gudida doorashooyinku ay u dajiyeen in la raaco oon lagu dhaqmayn. Taaso, keentay in malinwalba aynu maqalo qof leh waxaan u sharaxnay madaxweynanimada Somaliland.

Rag ka tirsan xusbiyadii ku hadhay wareegii hore ee xusbiyada lagu kala reebayey oo leh madaxweynaha ayaan wali u taagnay una sharaxnahay.

Qaar cusub oo horleh, oon xusbiyaba ka tirsanayn oo iyaguna sheeganaya in ay u sharaxyihiin madaxweynimada. 

Haweenka oo lagu ogaa in ay ku ekaadaan gurigooda, shantooda waqtina tukadaan. ragoodana adeecaan, naftooda ka adkaadan aya iyagana qaar ka mid ahi ku doodayaan in ay madaxweynanimada u sharaxayihiin. Inkasto, shuruuda qofka madaxweynaha noqonayaa aanu ogalayn sharcigu in ay qof dumar ahi madaxweyne noqoto. 

Mar hadaynu nahay ummad muslim ah, diinta islaamkana ku dhaqanta. 

Hadaba, fadqalaalo iyo isdar jiidh uma baahna ummad reer Somaliland ee abaarta ka soo doogtay dhawaanta. Dagaalo iyo buurbur dambena itaal uma hayso bulshadan daalani ee Illahay mooye cid kale u maqnayn. Waxaana haboon in la raaco oo halagu dhaqmo wixii ladhigtay sida ummadaha kale. Haddii, aydaan isku dhuubnaan, meela uga soo wada jeesan qofka fadqalala wada ee nabadiina kala tuuraaya waxaa xaqiiq ah in barito meel dheer laga dondooni xasiloonida maanta aad ku tamarinasaan. 

Mohamoud Adagude
Holland

Top


Dalalka Carabta Oo Si Weyn Iskugu Khilaafsan Qabashada Shir Madaxeedkooda

Qaahira (W. Wararka) Waxa soo baxaya khilaafaad weyn oo u dhaxeeya dalalka Carabta, kuna saabsan qabasahda shir madaxeed deg deg ah oo ay yeeshaan madaxda Carabtu, oo ay ku lafo guri lahaayeen xiisadda dalka ciraaq.

Khilaafkanina waxay soo baxeen markii ay dawladda Ciraaq dalbatay in dib loo dhigo shir madaxeedkaasi, oo uu qorshuhu ahaa in la qabto horaanta bisha March ee soo socota.

Balse wasiirka warfaafinta ee dawladda Masar Safwat Al-Shariif ayaa sheegay in madaxweyne Xusni Mubaarik u cadeeyay in shirkaas la qaban doono xiligii loo qorsheeyay oo ah maalinta sabtida ee soo socota, laguna qaban doono degmada Sharma’sheekh ee dalka Masar.

Dawladda Ciraaq oo dalbatay maalintii axadii ee todobaadkan in shir madaxeedkaas dib loo dhigo ilaa badhtamaha bisha March si loo qiimeeyo, xaaladda Ciraaq iyo in la sugo warbixinta ay madaxda baadhayaasha hubku hordhigayaan golaha amaanka ayaa ku sii adkaysanaysa mawqifkeedii hore.

Sida laga soo xigtay wasiirka arrimaha dibada ee Ciraaq Naaji Sabri muddada u dhaxaysa xiliga ay codsadeen in shirkaas dib loogu dhigo iyo xiligii ay ahayd in la qabto waa xili ay arrimo badani kala cadaanayaan, sidaa daraadeedna ay tahay in la sugo.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Xamed Binu Jaasi ayaa isaguna ku tilmaamay dalabka Ciraaq, inuu fursad siin karayo in weerar Milatari lagu qaado dalkaasi, sidaa daraadeedna ay tahay in shirkaa la qabto xiligii loo qorsheeyay.

Laakiin dawladda Suuriya ayaa u muuqata inay taageerayso mawqifka Ciraaq ee ah in shirkaas in dib loo dhigo, iyadoo u aragta inuu yahay xal lagama maarmaan ah. Sidoo kale dawladda Lubnaan ayaa u muuqata inay taageerayso mawqifka Ciraaq, balse ilaa iyo hadda lama xaqiijin arrintaasi.

Dhinaca ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu soo waramay in ka socdo hawlo ballaadhan oo loogu diyaar garoobayo qabashada shirkaas, xiliga marka hore la qorsheeyay, iyadoo la sheegay in qabashada shirka ay waafaqeen 21 dawladood oo xubno ka ah ururkaasi.

Top


257 Qof oo Ku Dhintay Dhul Gariir Ka Dhacay Shiinaha

Beijing (W. Wararka) Ugu yaraan laba boqol iyo todoba iyo konton (257) qof ayaa ku dhintay, kumanaan kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii u dhul gariir laxaad lihi ku dhuftay gobolka Shiyangyang oo ay degenyihiin dad muslimiin ahi, kuna yaala dhinaca waqooyi galbeed ee dalka Shiinaha.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dhul gariirkaasi u burburiyay ilaa kun (1000) guri oo ku yaala goobta uu ka dhacay lana filayo inuu khasaaruhu intaa ka sii bato, maadaama lagu hawlan yahay baadi goobka dadka ilaa hadda la la’yahay.

Sida laga soo xigtay dawladda Shiinaha quwada dhul gariirkaasi waxay dhamayd 6.8 qiyaasta dhulgariirada. Khasaaraha badankiisuna u ku dhacay tuuladda Bashtuu oo ay ku nool yihiin dad gaadhaya 370,000 oo qof.

Dawladda Shiinaha ayaa bilawday hawlo ballaadhan oo loogu gurmanayo goobta ay masiibadaasi ka dhacday, iyadoo ay hawlaha ka qayb qaadanayaan ciidamada qalabka sida, oo kaashanaya qalabkooda kala duwan, waxaa kale oo lala gaadhay raashin iyo dawooyin deg deg ah, iyadoo uu halkaasi ka jiray qabaw xoog lihi. Balse waxa la sheegay gobolkaasi oo ay intiisa badan ku nool yihiin dad muslimiin ahi oo ay haysato dib u dhac xagga dhaqaalaha ah iyo horumar la’aan waxa adkaatay in gaadiidka gurmadka ahi ay degdeg u gaadhi karaan.

Gobolkaasi oo ah mid ay aad ugu badan yihiin dhul gariiradu waxa la sheegay in dhul gariiro dhawr ahi ay soo mareen sanadadii tagay. Laakiin waxa sida la sheegay dhul gariirkii ugu khasaaraha ee ugu dambeeyay ee soo mara Shiinaha waxa uu dhacay sanadkii 1976 oo uu dhacay dhul gariir ay quwadiisu tahay 7.9 qiyaasta dhulgariirada, ayna ku dhinteen dad gaadhaya 250,000 oo qof.

Top


Shir Madaxeedkii Dhexdhexaadka oo Ka Furmay Malaysia

Kuala-Lumpur (W. Wararka) Shir Madaxeedka 13aad ee dalalka ay siyaasadoodu dhexdhexaadka tahay ayaa ka furmay caasimadda dalka Malaysia iyadoo ay ka soo qayb galeen ilaa 50-tan hogaamiye oo ka tirsan dalalka xubnaha ka ah ururkaasi.

Shir madaxeedka waxa lagu wadaa in labada maalmood ee uu socdo lagu gorfayn doono arrimo ay ka mid yihiin xiisadaha dalalka Ciraaq iyo Kuuriyadda Woqooyi iyo waxa loogu yeedho la dagaalanka argagixisada, iyadoo lagu wado in madaxdu ay cambaareeyaan faragalinta uu maraykanku ku hayo dalka Ciraaq iyo inay Baqdaad u hogaansato qaraarada qaramada midoobay.

Ra’iisal Wasaraaha Malaysia Mahathir Maxamed oo ka hadlayay furitaankii shirkaasi ayaa ku eedeeyay dawladda maraykanka in aanay haatan ixtiraamin qawaaniinta caalamiga ah ama qiyamka akhlaaqeed tan iyo markii ay dhaceen weeraradii lagu qaaday maraykanka 11-kii September 2001. isaga oo intaa ku daray in waxa loogu yeedho la dagaalanka argagixisadu uu noqday dagaal ay ujeedadiisu tahay in lagu xoogo khayraadka dabiiciga ah ee dalalka adduunka, isla markaana wuxuu ku baaqay in aan dawlad qudha loo ogolaan inay kalideed adduunka boolis ka noqoto.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Mahathir Maxamed waxa uu tilmaamay in dagaalku aanu wax xal ah keenayn, isagoo dalbaday in dib u habayn lagu sameeyo qaramada midoobay.

Dhamaan madaxdii kale ee shirkaa ka hadlay ayaa iyaguna cambaareeyay dagaalka uu maraykanka la damacsanyahay Ciraaq, iyagoo ku tilmaamay mid gardaro ah, isla markaana waxay sheegeen in qaramada midoobay ay tahay ta looga baahan yahay inay xaliso mashaakilaadka adduunka.

Gebgebada shirka waxa lagu wadaa in madaxdu ay ka soo saaraan war murtiyeed soo koobaya go’aanada ay soo saaraan. 

Top


Waadiga Ciyaaraha 

C/fataax M. Aidied

In Ay Noqdaan Labada Kooxood Ee Ugu Hor Gudba Quarter-Finals-Ka Ciyaaraha Caawa Ee Horyaalka Yurub

"Haddii ciyaartoydii naga maqnayd noo soo noqdaan ciyaartan oo aanu dariiqadii maalintii hore ula ciyaarno Man United, waa hubaal in aanu.." - Marcello Lippi

"Aad baan uga xumahay Inuu Naga Maqan yahay weeraryahanka Andriy Shevchenko" - Gudoomiye/Xigeenka Milan, 


Paris (AFP) Guusha Manchester iyo AC-Milan ka gaadhaan ciyaarta maanta, ayaa la filayaa in ay ugu gudbaan wareega sideeda kooxood (Quarter Finlas).

United iyo Milan ayaa laga yaabaa inay noqdaan labada kooxood ee ugu soo hor baxa wareega Quarter Finals-ka, haddii ay badiyaan ciyaartoodan afraad oo ay labada kooxood hore u soo badiyeen ciyaarahoodii wajiga labaad ee horyaalka Yurub.

Juventus VS Manchester United
Kooxda Juventus oo 2-1 ciyaarteedii hore lagaga soo badiyay Old Trafford arbacadii todobaadkii hore, balse markan ay United marti u tahay, iyadoo ay ciyaartaa hore kooxda Juventus ka maqnaayeen ciyaartoydoodii u sareeyay badankoodii oo ay xanuun iyo dhawaacyo uga maqnaayeen, ayaa laga yaabaa inay qaarkood soo noqdaan ciyaartan.

Tababare Marcello Lippi ayuu weli ka maqan yahay xiddigiisa Alessandaro Delpiero oo dhawaaca aad u adagi soo gaadhay, laakiin wuxuu rajaynayaa in ciyaartoydiisa kale badankoodu diyaar u yihiin todobaadkan, ka dib markii ay ka soo bogsadeen duray soo gaadhay. 

"Waan u bogay dariiqadii aanu ula ciyaarnay Man United, laakiinse waxaan filayaa inuu duraygu si xun noo saameeyay" ayuu yidhi Lippi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi Lippi "Haddii ay qaar ciyaartoyda naga maqnayd noo soo noqdaan oo aanu u ciyaarno dariiqadii aanu ciyaartii hore ula ciyaarnay Manchester, waxa hubaal ah in aan wax ka qaadan karno ciyaartan."

Kooxdan Lippi ayaa sabtidii todobaadkan 3-1 ku garaacday kooxda Como ciyaar ka mid ahayd tartanka kooxaha Talyaaniga ah ee Serie A, taas oo ay kooxda Juventus kaga maqnaayeen xanuun duray ah ciyaartoyda Gianluigi Buffon, Edgar David, Gianluca Zambrot, iyo ciyaartoyga faransiiska ah Lilian Thuram, iyo waliba weeraryahanka David Trezeguet oo isaga la nasiyay, oo fadhiyay kursiga ciyaartoyda kaydka ah.

Tababaraha kooxda Manchester United, Alex Fergusen, ayaa waxoogaa dhibaato ahi ka haysataa khadka difaaca. West Brown ayaa dhamaystiray ciyaartii ay Manchester 1-1 ku barbaraysay Bolton sabtidii todobaadkan, laakiin waxa jira cabasho dhaawac fudud ah. Ciyaartoyga qalbiga difaaca ah ee Mikael Silvestre ayuu dhawaac soo gaadhay ciyaartii Juventus ee badhtimihii todobaadkii hore, mana ciyaarin ciyaartii ay la yeesheen Bolton, taas oo Ferguson ku haysa madax xanuun, iyo waliba ciyaartoyga Paul Scholes oo isagu uga maqnaan doona ciyaartaas dhaawac soo gaadhay aawadii.

Top


Lokomotiv Moscow VS AC-Milan

Kooxda horyaalka Ruushka ah ee Lokomotiv Moscow ayaa galay ciyaarahooda Group C oo ay la ciyaareen AC-Milan iyagoo weli ciyaarin ciyaaro ay ugu diyaar garoobaan ciyaaryahan, taas oo ay sabab u tahay in aanu weli tartankii kooxaha Ruushkku bilaabmayn ka hor March 15keeda.

Dhinaca kale, kooxda AC-Milan weeraryahankeeda Andriy Shevchenko ayaa ka maqnaan doona ciyaarta caawa, ka dib markii ay cadeeyeen kooxdu in dhaawac adag oo soo gaadhay looga saaray ciyaartii salaasadii hore ee ay la yeesheen Lokomotive.

Weeraryahanka Danish-ka ah ee Jon Dahl Tomasson ayaa la rajaynayaa inuu bedelkiisa noqdo weeraryahanka reer Ukraine Shevchenko oo ka maqnaa guushii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Ruushka ah Lokomotive todobaadkii hore.

Ciyaartoyga kale ee ka maqnaan doona kooxda Milan waa ciyaartoyga Talyaaniga ah ee Pirlo oo duray ku dhacay uga maqnaan doona waxaana beddelkiisa noqon doona Massimo Ambrosini.

"Aad ayaan uga xumahay in aanu nala soconin Andrea" ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka kooxda AC Milan, waxaanu raaciyay oo uu yidhi "Waanu eegi doona Ambrosini, ka hor intaanaan go’aanka gaadhin."

Kooxda AC Milan, waxa ay rajaynaysaa inay meel ka samaysato wareega sideeda kooxood isku soo hadhayaan ee (Quarter Finals), waxaanay doonaysaa inay ka badiso Moscow ciyaartan, taas oo ay saddexdii ciyaarood ee hore ka heshay dhibcihii ugu badnaa. Group C. Laakiin, Lokomotiv waxa ay rajaynaysaa in ay ka faa’iidaysato garoonkeeda oo uu jewigiisu qabaw iyo baraf leeyahay, waxaanay Group-ka kaga jirtaa halka ugu hooseysa, iyada oo leh dhibic kaliya.

Borussia Dortmund Vs Real Madrid
Isla kooxaha Group C, kooxda Real Madrid ayaa u safri doonta dalka Jarmalka, is ay ula ciyaarto ciyaar kooxda Borussia Dortmund oo ay toddobaadkii hore kaga badisay 2-1.

Vicente Del Bosque kooxdiisa xiddigaha ah, ayuu weli ka maqan yahay Fernando Hierro dhinaca difaaca. Sidoo kale, Zinedine Zidane iyo Luis Figo, ayaa la nasiyay ciyaartii ay 3-1 kaga badisay kooxda Valladolid sabtidii ciyaaraha Spanishka, waxaanu qorshuhu yahay in ay ciyaartan ciyaaraan.

Dhinaca kale, weriyayaasha ayaa sheegay in xiddigii Yurub ee kubadda cagta sannadkii 2002, isla markaa xiddiga adduunka ee isla sannadkaa Ronaldo, inuu sababay dareemo soo dhexgalay ciyaartoyda kooxda u saftaa gudahooda, dareenadaas oo lagu tilmaamay in ay yihiin qaar aan caadi ahayn.

Deportivo Vs Basel
Dhinaca kale, kooxda Deportivo La Caruna, ayay marti u tahay kooxda Basel ee dalka Switzerland oo gurigeeda 1-0 kaga soo badisay kooxda Deportivo toddobaadkii hore, taas oo uu ku macneeyay tababaraha kooxda Basel, Christian Gross guusha ay gaadheen in ay tahay natiijadii ugu wanaagsanayd taariikhda kooxda Basel.

Top


Romario Oo Heshiis 3 Bilood Ah La Saxeexday Naadi Dalka Qatar Ah

Doha (AFP): Weeraryahanka Brazil kula guulaystay koobka Adduunka, Romario ayaa heshiis Saddex bilood ah la galay kooxda Al Sad ee dalka Qatar, qiimihiisuna yahay 1.5 million doollar. Sidaa waxa sheegay maalintii Axadii afhayeenka kooxda Al-Sad, Khaalid Jabar Al-Naciimi. 

"Romario, wuxuu la saxeexday heshiis Saddex bilood ah naadiga Al-Sad dhawr maalmood ka hor, waxaanu qiimuhu dhan yahay 1.5 million doollar." Sidaa wuxuu u sheegay Naciimi, Wakaaladda Wararka ee dalka Faransiiska AFP.

Xidigii koobka adduunka ee sannadkii 1994 oo hadda 37-jir ah, waxa lagu wadaa inuu laba cisho gudahood ku tago Qatar, waxaanu qorshuhu yahay inuu u ciyaaro kooxda Al-Sad ciyaaraha wareega Sideeda kooxood isugu soo hadheen ee Quaterfinals-ka tartanka Horyaalka Qaaradda Aasiya ee lagu ciyaari doono magaalada Al-Cayn ee koonfurta dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta 9-15 bisha March ee soo socota.

Kooxda Rio de Janeiro ee Fluminense oo ah kooxda uu heshiiska kula jiray Romario, oo heshiiskaasi dhammaanayo bisha December, ayaa sheegtay in aanay hor joogsanayn tegistiisa.

Top


Paulo Cesar Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Xulka Kuwait

Kuwait (AFP): Xidhiidhka kubadda cagta ee dalka Kuwait, ayaa shalay u magacaabay xidigii koobkii adduunka ee dalka Brazil, Paulo Cesar Carpegiani, tababaraha cusub ee xulka wadanka Kuwait.

Gudoomiye Ku-xigeenka xidhiidhka kubadda cagta, Sheekh Axmed Al Yuusuf Al Sabaax, ayaa sheegay in Carpegiani la gaadhay heshiis sannad ah Kuwait, qiimihiisuna yahay 100, 000 doollar iyo 35,000 doollar oo mushahar bile ah, wakhtiga uu imanayana lama xadidin.

Si kastaba ha ahaatee, tababarahan reer Brazil, waxa la filayaa inuu yimaado dalka Imaaraadka, si uu u saxeexo heshiiska "sababo ammaan darro ka jirta gobolka khaliijka awgeed," ayuu yidhi Sheekh Axmed.

53-jirka Paulo Cesar, waxa uu ciyaartoynimadiisii ka soo bilaabay kooxda Flamingo iyo Xulka Wadankiisa ee Brazil, waxaanu ka tirsanaa xulkii Brazil ee sannadkii 1974-kii ka qayb galay koobka adduunka.

Cesar, waxa uu tababare ka soo noqday kooxda Flamingo iyo Xulka Wadankiisa ee Brazil, waxaanu isla markaa jagadaas oo kale ka soo qabtay; kooxaha Brazil ee Coritiba, Cruzeiro iyo Palmares, iyo weliba kooxda Al Nasar ee dalka Sucuudiga. Waxa kale oo uu tababare u noqday xulka Paraguay oo wareega labaad ee koobkii addduunka ee 1998 u soo gudubtay, balse ay France goolka dahabiga ah kaga badisay.

Top