Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 279 March 2, 2003

Baarlamaanka Somaliland Oo Ansixiyay Xubno Golaha Wasiirada Ka Tirsan

Ururka SSJW Oo Xukuumadda Ka Dalbaday Siideynta Weriye Maxamed Biid

Xaaladda Garoowe Iyo Baqaha Laga Qabo Mucaardka Hubaysan

"Waxaan Go’aansaday Inaan Ka Noqdo Xubnimadii Xisbiga KULMIYE, Laakin..."

Gobolka Sool: Hubka Xad- Dhaafka Ah, Dilalka dhaca iyo Werwerka Nabadgelyada

Shacbiga Somaliland Ma Wuxuu Noqday Meel Lagu Tijaabiyo Sunta Sigaarka

Weriye Ka Tirsan Jamhuuriya Oo Lagu Xidhay Berbera

Dawladda Pakistan oo Shaaca ka Qaaday Qabashada Ku-Xigeenkii Hogaamiyaha Al-Qaacida

Shir-Madaxeedkii Carabta Oo La Soo Gebogebeeyay

Ciraaq Oo Bilowday Baabi’inta Gantaalaheeda Al-SAMUUD Iyo Jawaabaha Laga Bixiyay

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Dambi Ruuxii Laga Gallay Gocosho Ma Daayo

Wasiirka Cusub Ee Waxbarashada Waxaanu Ka Sugaynaa Isbedel Wax Ku Ool Ah

Talooyinka Inala Gudboon Marxaladan Maanta La Marayo

Raadyow Ma Qaloocshe Ha Loo Bixiyo Radio Aragti Dheer

Siyaasaddu Malaha Saaxiib

Sidi-Sididaada Mooyee Dhul U Dhacaaga Hubso

DIL-DILAACII UBAXA IYO KACAANKII DHERGIGA

ARRIMAHA BULSHADA


Baarlamaanka Somaliland Oo Ansixiyay Xubno Golaha Wasiirada Ka Tirsan

Hargeysa (Haatuf) Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay laba ka mid ah golaha wasiirada, kuwaas oo uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Rayaale, waxayna kala yihiin Cismaan Xasan Mire oo ah wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashada iyo Nuur Axmed Cali (Goobe) oo ah wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda Dib u dejinta.

Labadan masuul waxay mudanayaasha golaha wakiiladu ugu codeeyeen mid mid, iyadoo ay xiligii codaynta madasha fadhiyeen 41 mudane, laakiin wasiirka waxbarashada ayaa ugu horeyn loo codeeyay waxaana ansixintiisa ogolaaday 41-kii mudane ee madasha fadhiyay, taas darteedna may jirin cidii diiday iyo ka aamustay toona.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka cusub ee dib u dejinta waxa isna ansixintiisa ogolaaday dhamaan 41-kii mudane ee madasha fadhiyay, waxayna codaynta labadan masuul dhacday, ka dib markii uu shir-gudoonka golaha wakiiladu madasha ka akhriyay taxanahoodii waxbarasho iyo waayo-aragnimada dhinaca shaqada (CV).

Wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashada Cismaan Xasan Mire waxa uu jagadan ka bedelay Axmed Yuusuf Ducaale oo muddo dhawr sanadood ah wasiirka waxbarashada ka ahaa dawladda Somaliland, laakiin uu dhawaan madaxweyne Rayaale xilka ka qaaday.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka cusub ee dib u dejinta Nuur Axmed Cali waxa uu bedelay Bashiir X. Xasan Geelle oo hore u ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda dib u dejinta, kaas oo in muddo ah dalka ka maqnaa, laakiin aanu madaxweyne Rayaale soo saarin wareegto uu xilka kaga qaadayo, waxaase loo malaynayaa inuu Bashiir X. Xasan Geelle shaqada iskaga tegay, lamasen hayo ilaa hadda wax tafaasiil ah oo ku saabsan arrintiisa.

Top


Ururka SSJW Oo Xukuumadda Ka Dalbaday Siideynta Weriye Maxamed Biid

Hargeysa (Haatuf): Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxa-bannaan ee Somaliland (SSJW) ayaa xukuumadda Somaliland ka dalbaday inay xabsiga kasii dayso weriyaha Wargeyska Jamhuuriya uga soo warama magaalada Berbera, Maxamed Biid oo maalintii shalay xabsiga loo taxaabay.

War-saxaafadeed qoraal ah oo uu ururku xalay nasoo gaadhsiiyay waxa uu u qornaa sidan:

"Sidaynu ka wada dheregsanahay xuquuqda muwaadin kasta waxa dammaanad qaaday dastuurka Somaliland oo fasaxaya madax-bannaanida saxaafadeed iyo cabirista ra’yi ee qof kasta haddii aanu wax dhibaato ah u lahayn dalka iyo dadkaba. Sidaa darteed anagoo ixtiraamayna karaamada xukuumadda Somaliland, waxaanu ka codsanaynaa inay xabsiga kasii dayso weriyaha Berbera uga soo warama wargeyska Jamhuuriya Maxamed Biid, anagoo wixii daw-bixin ah ula diyaar ah, haddiiba uu jiro wax dembi warbaahineed ama fikradeed ah oo uu galay.

Anagoo ka xun haddii aanu nahay suxufiyiinta dalka ee madaxa-bannaan in dawladdu ku fara-dhiiranaato, jeelkana iskaga taxaabto weriyeyaasha iyo suxufiyiinta ku gudajira gudashada mihnadooda ama ay ka kala dhiman yihiin dukumentiyada iyo cadaymaha wixii weriyuhu ku xidhmi karo.

Xuquuq ka qaadista weriyaha haddiiba lagu caddayn waayo dembi cad ururka SSJW, wuxuu cawil-naq uga fadhiyaa mas’uuliyiintii xidhay ee xoriyadiisa ka qaaday.

Ugu dambayntii, suxufiyiinta iyo qorayaasha dalka waxaanu kula talinaynaa inay xaqiiqda caadaystaan, isla markaana dedaalkooda wadaniyadeed iyo ka warbaahineedba halkaa kasii wadaan."

Top


Xaaladda Garoowe Iyo Baqaha Laga Qabo Mucaardka Hubaysan

Garoowe (Haatuf) Gudoomiyaha baarlamaanka maamul goboleedka la magac baxay Puntland Yuusuf X. Siciid ayaa todobaadkii ina dhaafay horaantiisii ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka gudoomiye-nimada baarlamaanka Garoowe. Hase yeeshee xubnaha golihiisa ayaa arrintaa cod ku horjoogsaday, sidaa darteedna waxa uu ka baaqsaday inuu xilka ka dego, laakiin arrintaasi waxa ay noqotay arrin lama filaan ah waayo ninkan waxa lagu ogaa nin ay C/laahi Yuusuf aad isugu dhawyihiin, sidaa darteed waxay dadkaa halkaa joogaa isweydiiyeen iscasilaadiisa.

Ilaa hadda lama oga sababta kaliftay iscasilaada gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Garoowe, laakiin waxa jira warar tibaaxaya inuu hore khilaaf aan soo shaac bixini uu dhexmaray isaga (Yuusuf X. Siciid) iyo C/laahi Yuusuf, sidaa darteed waxay dadka qaar iscasilaadiisa ku macneeyeen inuu hubsanayay kalsoonida ay u hayaan xubnaha golihiisu, waxayna dhacdadaasi ku soo beegantay xili uu C/laahi Yuusuf ku maqan yahay dalka Kiiniya, halkaas oo uu kaga qayb qaadanayo shirka kooxaha soomaaliya uga socda Nairobi. 

Inkasta oo ay deegaamadda dhulka la magac baxay Puntland ay hadda xasiloon yihiin, haddana waxa atmoosfeerka siyaasadeed ee maamulka C/laahi Yuusuf ku gedfan dareen siyaasadeed oo walaac leh, kaas oo raad ku leh mucaaradka abaabulan ee wakhtigan xaadirka ku kacsan, taas oo ay maamulayaasha nidaamka C/laahi Yuusuf werwer ka qabaan dagaalo ahliya oo saamayn ku yeesha maamulka C/laahi Yuusuf. Sidaa awgeed maamulayaasha maamulka Garoowe waxa uu ciidamo soo dhigay meelo dhawr ah oo xadka iyo gudaha Somaliland-ba ah waxaana meelaha ka mid ah Sarmaanyo, Xiingalool iyo Fiqi-fuliye, laakiin waxa kale oo ay wararku sheegeen inuu C/laahi Yuusuf ciidamadiisa ku taxay jiidaha iyo deegaamada Puntland ee uu uga cabsi qabo inay kooxaha mucaaradka hubaysan ahi isticmaali karaan ama wadooyinka ay iskaga gudbi karaan, waxayna maamulayaasha C/laahi Yuusuf baqe ka qabaan inay kooxaha mucaaradka hubaysan ku talaabsadaan falal dagaal, iyadoo uu kooxaha mucaaradka ah uu hogaamiyo ninka la yidhaahdo Gen: Cadde Muuse.

Sida ay wararka jiidahaa ka yimid sheegeen C/laahi Yuusuf waxa uu xilka kaga tagay wasiirkiisa maaliyada oo lagu naanayso Ina Faroole, iyadoo ay caadada C/laahi Yuusuf tahay in marka uu safaro debada ah u baxayo uu xilka kaga tago mid ka mid ah maamulayaashiisa oo uu kalsooni badan ku qabo, laakiin inta badan ma dhacdo inuu xilka kaga tago Madaxweyne ku xigeenkiisa, Axmed Cabdi Xaashi. Sidoo kalena maamulka C/laahi Yuusuf ma aha mid baahsan oo ay cid waliba qaybteeda ka qaadato, sidaa darteed waxa had iyo jeer talada maamul gacanta ku haya kooxo gaar ah kudlado uu C/laahi Yuusuf si gaar ah u aaminsanyahay.

"Garoowe waa meel aad u dhisantay, isla markaaana aad u balaadhatay marka loo eego xiliyadii hore" sidaa waxa yidhi Ibraahim Cabdi oo ah nin reer Somaliland ah, degena Hargeysa oo sabtidii todobaadkan ka soo laabtay socdaal daneed oo uu ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka C/laahi Yuusuf. 

Ibraahin Cabdi oo muddo todobaad ah maqnaa waxa uu socdaal ku soo maray meelo ay ka mid yihiin gobolka Sool ee bariga Somaliland ilaa xarunta maamulka C/laahi Yuusuf ee Garoowe, sidaa darteed weriye Haatuf ka tirsan ayaa Ibraahin Cabdi kala sheekaystay waxyaalihii uu ku soo arkay meelaha uu booqday. "Muddo laba maalmood ah oo aan Garoowe joogay waxay iigu muuqatay meel nabdoon, isla markaana maan arag wax dhaqdhaqaaq ah oo muujinaya xasilooni darro, laakiin werwerka ugu badan ee maamulayaasha Puntland ka muuqday wuxuu ahaa baqaha ay ka qabaan mucaaradka ku kacsan oo ay aaminsanyihiin inuu fadhiisin ku leeyahay Somaliland" sidaa waxa yidhi Ibraahin Cabdi, wuxuuna Ibraahin intaa ku daray "Dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadka kumaan arag wax dhibaato ah, isla markaana koontorooladu marka Garoowe la gaadho waxaana la ii sheegay in Garoowe iyo Boosaaso uu u dhaxeeyo hal koontarool oo keliya. 

Laakiin Ibraahin isaga oo ka waramaya dhinaca nolosha magaalada Garoowe wuxuu yidhi "Dhinaca maceeshada waxay la mid tahay magaalada Burco iyo deegaamada bariga Somaliland, waayo tusaale ahaan koobka shaaha ah waxa lagaa siinayaa 1000 Sh. So (Giimbaar), laakiin magaalada Garoowe way biyo qadhaadhahay, waxaase jirta warshad yar oo biyo macaan soo saarta, sidaa darteed marka aad makhaayad soo fadhiisato ee aad shaah dalbato waxa laguu keenayaa koob shaah ah iyo koob biyo macaan ah, waxaana lagaa qaadayaa 1500 Sh. So. Taasina waxay noqotay waxyaalihii igu cusbaa ee aan la yaabay markaan Garoowe tagay, waayo weligay maan arag koob biyo ah oo makhaayad shaaha lagu iibinayo". Hase yeeshee Ibraahin isaga oo ka waramaya dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka Somaliland iyo Puntland wuxuu yidhi "Inkasta oo aanu ganacsiga labada dhinac u dhaxeeyaa xaami u ahayn sidii uu wakhtiyada qaar ahaa, haddana wuu jiraa ganacsiga iyo isu socodkuba, laakiin baabuurta labada dhinac isaga gooshaysaa waxay had iyo jeer sidataa laba lambar oo kala ah mid Somaliland ah iyo mid Puntland ah, waayo Maamulka Puntland ma ogola inay baabuurtu la dhex marto lambarka Somaliland, sidoo kale maamulka Somaliland ma ogola inay baabuurtu la dhex marto lambarka Puntland."

Sida la ogyahay xidhiidhka siyaasadeed iyo darisnimo ee u dhaxeeya Somaliland iyo maamul goboleedka C/laahi Yuusuf aad u xumaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay ciidamo hubaysan oo laga soo abaabulay magaalada Garoowe weerar gaadmo ah la beegsadeen madaxweyne Rayaale iyo wefti uu hogaamiyo oo socdaal ku jooga magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool bishii Diisember 7-deedii 2002, taas oo uu madaxweyne Rayaalena kaga jawaabay xukun deg deg ah oo uu ku soo rogay gobolka Sool, sidoo kale inkasta oo ay xukuumadda Somaliland taa beenisay haddana waxa uu C/laahi Yuusuf sheegay inay dawladda Somaliland soo dhawaysay mucaaradka ku kacsan, taas oo uu Col: C/laahi Yuusuf walaac badan ka muujiyay.

Top


"Waxaan Go’aansaday Inaan Ka Noqdo Xubnimadii Xisbiga KULMIYE, Laakin..."

Maxamed-rashiid Sh. Xasan

Hargeysa (Haatuf): Maxamed-Rahiid Sh. Xasan oo ka mid ahaa xubnihii xisbiga KULMIYE isaga soo sharaxay jagada madaxweyne-kuxigeenka, laakiin aan ku guulaysan ayaa ku dhawaaqay inuu go’aansaday inuu ka baxo xisbiga KULMIYE, sidaana waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed qoraal ah oo uu shalay soo saaray, wuxuuna Maxamed-Rashiid sababta uu xisbiga KULMIYE kaga baxayo ku tilmaamay waxyaalo dimoqraadiyadda baalmarsan oo ka dhex-dhacay xisbiga KULMIYE maalintii la kala dooranayey raggii isu soo taagay musharaxnimada, waxyaalahaas oo uu ku tilmaamay inuu ka biyo-diiday waxa ka mid ahaa shuruudii ahayd inaanu musharax madaxweyne iyo kuxigeen isu soo taagi karin nin sita dhalasho dal kale iyo waxyaalo kale oo uu sheegay inay ka dhaceen madashii kala doorashada musharaxiintii jagada madaxweyne-kuxigeenka xisbiga KULMIYE, iyadoo ay jagadaa xisbiga KULMIYE isaga soo sharaxeen dhawr nin, laakiin waxa ku guulaystay C/raxmaan Aw-Cali Faarax oo hore u ahaa gudoomiye-kuxigeenka ururkii ASAD, laakiin isaga iyo koox uu hogaaminayaa ay ku soo biireen xisbiga KULMIYE dhawr maalmood ka hor intii aanu xisbiga KULMIYE dooran musharaxiinta madaxweynaha iyo kuxigeenka. Laakiin qoraalka Maxamed-Rashiid uu arimahaa kaga hadlay, isla markaana ku cadeeyey mawqifkiisa waqtigan xaadirka ah waxa uu isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan: 

"Waxaan ka mid ahaa musharaxiintii xisbiga KULMIYE ee jagada madaxweyne-kuxigeenka Somaliland. Waxaan la imid barnaamij wax qabasho oo wax ku ool ah, oo aan doonayay inaan ku soo kordhiyo aqoonta looga baahanyahay siyaasadda Somaliland, siiba nidaamka looga baahanyahay axsaabta ku dhisan nidaamka dimoqraadiyadda. Waxaan doonayay inaan wax ka taro dhisidda jiilka (Da’Da) cusub oo siyaasiyiin ah oo la socda wakhtiga, isla markaana mustaqbalka wadankan hogaankiisa hanan kara. Waxa kale oo aan doonayay inaan wax ka bedelo micnaha hadda siyaasadda loo yaqaan, taas oo aan ahayn siyaasad ee anigu aan ku magacaabo sheekooyin siyaasadeed oo aan xaqiiqda ama runta ku salaysnayn, taas oo badanaa ku salaysan loolan shakhsi shakhsi, ama kooxo oo ku kooban dan shakhsi ama dan kooxeed.

Waxaan doonayay inaan horseed u noqdo aqoonyahanka reer Somaliland oo ilaa hadda ka maagayay saaxadda siyaasadeed ee Somaliland, siiba aqoonyahanka dibadaha ku nool.
Haddaba iyadoo ay ujeedadaydu taa ahayd, ayaan markaan indha indheeyay 3-dii xisbi ee soo baxay, waxaana is-idhi afkaartaas waxaad ka hirgelin kartaa xisbiga KULMIYE dhexdiisa. Waayo waxaan u arkayay hogaamiyaha xisbiga KULMIYE inuu leeyahay waayo-aragnimo siyaasadeed iyo mid aqooneed-ba oo markaa fikradda aan wado uu ila fahmi karo, sidaa darteed anigoo ku niyadsan, kalsooni buuxdana ku qabay inaan xisbiga la shaqeeyo ayaa waxaan kala kulmay markii xisbigu dooranayay musharaxa madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka arrimahan soo socda:

Sidii lama filaanka ahayd ee kooxdii ka midka ahayd ururkii ASAD xisbigii KULMIYE ugu soo biirtay, isla markaana madaxweyne-kuxigeenka loo siiyey muddo saddex maalmood gudahood ah.

Iyadoo ay shir-gudoonka xisbigu ka dambeeyeen maamulka sidaa u dhacay ee aanay ka war qabin xubnaha xisbiga KULMIYE badankoodu si dimuqraadiyad ahna aan arrinka loo soo bandhigin loogana wada tashan.

Waxa kale oo la yaab lahayd sidii deg-degga ahayd ee ay qaar ka mid ah xubnaha xisbiga KULMIYE maxkamadda sare uga soo diyaariyeen shuruudaha musharaxiinta iyo habkii loogu akhriyay dadkii wax dooranayay oo markaa la odhan karo waxaa lagu joojinayay musharaxiinta qaarkood.

Waxa kale oo la yaab lahaa qaabkii uu shir-gudoonka xisbiga KULMIYE u maamulay cod-bixintii madasha, taasoo dhaawacday nidaamkii dimuqraadiyadda ee aan ka filayay inuu xisbigu yeesho. Matalan, waxa la codsaday in dadkii fadhiyay shirku ay ogolaadaan xubno lagu soo daray guddida dhexe.

Waxa ii muuqatay inaan dimuqraadiyad iyo isbedelkii aanu xisbiga fursad siin, kamaanay muuqan inuu diyaar u yahay inuu afkaarta sidaas ah soo dhaweeyo oo uu qaato. 
Dhinaca kale waxa muuqatay in la soo dhaweeyey oo ay tixgaliyeen afkaar aan wakhtiga la socon oo kooxaysan.

Waxaanse aad uga sii xumaaday haddaladii C/Raxmaan Aw Cali oo hadda musharaxa madaxweynekuxigeenka KULMIYE la siiyay, kaas oo nagu tilmaamay dad ajnabi ah oo aan u tartami karin madaxtinimada dalka Somaliland.

Hadalkaasi wuxuu meel ka dhac ku yahay xuquuqdoodana duudsiinayaa oo uu dafirayaa halgankii ay dalka u soo galeen dadka qurbaha jooga ee reer Somaliland. Imikana wuxuu hadalkani si gaar ah u saameeyay dadka ay ka mid yihiin, aniga (Maxamed-Rahiid), Faysal Cali Waraabe iyo Foosiya X. Aadan oo iminka u sharaxan madaxweynenimada dalka. Dadkayagaas oo ku soo caanbaxay u ololaynta aqoonsiga Somaliland iyo walaalaynta dadka reer Somaliland. Waa nasiib daro in nalagu tilmaamo dad ajnabi ah, iyagoo aan kuwa sidaa nagu tilmaamay uga halgan & waxtar badnayn ummadda reer Somaliland.

Hadaba markaan isku qanciyay qodobada kor ku xusan waxaan go’aansaday:-

Inaan ka noqdo xubinimada xisbiga KULMIYE
Inaan hadda diyaar u ahayn ku biirid xisbi kale oo siyaasi ah.
Inaan u madax banaanaado hawlahayagii dhinaca saxaafadda iyo cilmi baadhista.
Inaan sii wado hawlahayagii la xidhiidhay u ololaynta aqoonsiga Somaliland.

Waxaan hawlahayga ugu horeysiin doonaa u ololaynta wax ka bedelka qodobka 82aad ee distoorka, "Kaas oo odhanaya muwaadinka isku soo sharaxaya madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenku inaanu haysan jinsiyad dal kale". Waxaan ognahay in distoorku ogolyahay in qofka reer Somaliland u dhashay uu qaadan karo jinsiyad kale oo uu haysan karo jinsiyaddiisa iyo ta kaleba "Double Nationality". Waxaa kale aan ognahay in dadka reer Somaliland Baasaboorka ajnabiga ah ay dibadda ugu socdaan danaha Somaliland oo ay ka mid tahay u ololaynta aqoonsiga Somaliland. Waxaan kale oo aan ognahay in aan Baasaboorka Somaliland inta badan lagu safri karin oo aan hawsha sidaas lagu qaban karin.

Waxaa kale oo aan ognahay in inbadan oo ka mid ah dadka reer Somaliland ee dibada jooga ay haystaan Baasabor ajnabi ah, kaasina uu u suurtagaliyay in ay taageera weyn u gaystaan dhaqaalaha wadanka iyo waxbarashada iyo barbaarinta carruurteena, iwm. Waxa kale oo aan ogsoonahay in dadka reer Somaliland ee dibadaha ku nooli halgankii dalka lagu xoreeyay in ay af iyo adin iyo aduun-ba ay qayb wayn ka qaateen. Markaa miyey haboontahay in dadkaas la yidhaahdo waa ajnabi? "ayuu qoraalkiisa ku xidhay Maxamed-Rashiid.

Top


Gobolka Sool: Hubka Xad- Dhaafka Ah, Dilalka dhaca iyo Werwerka Nabadgelyada

Laas-caanood (Haatuf) Hal nin iyo hal nin ayaa dhintay, dhawr qof oo kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo, ka dib markii ay dilal aanooyin la xidhiidha is-dhaafsadeen dablay ka soo kala jeeda laba beelood oo reer Sool ah, waxayna dilalkaasi maalintii doraad ka dhaceen gudaha magaalada Laas-caanood oo ah xarunta gobolka Sool.

Sida ay wararku sheegeen inkasta oo aanay dhawr iyo labaatankii saacadood ee u dambeeyay magaalada Laas-caanood wax xiisad dagaal ahi ka taagnayn haddana waxa sii jira saska iyo werwerka ay dadku ka qabaan dilalkii dhacay, iyadoo ay dhawr iyo tobankii bilood ee ina dhaafay magaalada Laas-caanood ka dhaceen dilal is daba joog ah oo inta badan lagu xidhiidhiyay aanooyin kuwaas oo ka dhacay gudaha magaalada Laas-caanood, laakiin waxa taas dheer colaad ay dad dhawr iyo toban ka badan ku dhinteen oo muddo sanad ka badan ka dhex oognayd laba beelood oo reer Sool ah (reer Cilmi iyo Fiqi-Shini) colaadaas oo ku baahday meelaha miyiga ah iyo magaalooyinkaba waxay sababtay in gebi ahaanba lagu kala qaxo magaalada Adhi-Cadeeye oo ay wada degaan dadka labdaa beelood, waxaase colaadaa ku guulaystaan inay damiyaan, soona afjaraan ergo culus oo reer Somaliland ah oo ka bixitimay magaalada Hargeysa, ka dibna muddo 3 bilood ah fadhiyay gobolka Sool, balse ergadaasi keliya may soo dhamayn colaada labadaa beelood ee waxa kale oo ay iyadana xal ka gaadheen dilal fool xun oo dhexmaray beelo kale oo reer Sool ah, waxayna ergadaasi 3bilood ka dib gobolka sool dib uga soo laabteen, iyagoo ku soo dabaalay dareen wanaagsan iyo yididiilo nabad gelyo.

Hase yeeshee waxay u muuqataa inay falalkii dilalka ahaa halkoodii ka sii socdaan iyadoo ay ugu dambaysay kuwii doraad dhacay, isla markaana ay dadka reer Sool wer wer ka qabaan dilal kale oo aarsi ah oo dhaca.

Marka taa laga yimaado guud ahaanba wararka ka imanaya gobolka Sool waa kuwo farta ku fiiqaya walaac nabad gelyo darro, iyo muuqaalo dhinaca xasiloonida ah oo aan wanaagsanayn, iyadoo ay wararku tibaaxayaan in gudaha magaalada Laas-caanood iyo meelaha kaleba ay ku sii badanayaan maleeshiyaad hubaysan oo isa soo taraya, kuwaas oo ka soo kala jeeda beelaha deegaamadaa.

Dadka socotada ah ee ka imanaya gobolka Sool ama gudihiisa ha ka yimaadeen ama iyaga oo meel kale ka yimid soo mara waxay muujiyaan dareen fir-kanax leh oo dhinac nabadgelyada ah.

Ibraahin Cabdi oo ka mid ah dadka reer Hargeysa ayaa ugu dambeeyay socotada ka timid gobolka Sool, ninkaas oo habeen hore ka soo hoyday socdaal uu ku soo maray gobolka Sool ayaa isaga oo u waramaya Haatuf waxa uu magaalada Laas-caanood ku tilmaamay meel hub la ciirciiraysa, isla markaana qof kasta oo ku cusubi uu didmo ka qaadayo hubka faraha badan ee lala dhexmarayo magaalada werwer badan oo dhinaca nabad gelyada ah.

Sidoo kale waxa uu Ibraahin sheegay inay jiidaha gobolka Sool ee wadada laamiga ahi la ciirciirayaan Koontaroolo aad u tiro badan oo ay wadada ku taxeen maleeshiyaad hubaysan oo beelaha reer Sool ka soo wada jeeda, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay dhibaato iyo baqe badan kala kulmaan dadka socotada ah ee wadada isticmaala, isla markaana dhibaatada dhinaca Koontorooladu waxa weeye mid aanay la qabin deegaamada dhinaca Somaliland-ta kale iyo deegaamada dhinaca bari dariska kala ah ee Puntland.

"Jiidaha gobolka Sool marka aad gasho waxaad la kulmaysaa Kontoroolo farabadan oo aanay la qabin dadka deegaamada dhinacyada ka xiga gobolka Sool". Sidaa waxa yidhi Ibraahin Cabdi laakiin Ibraahim isaga oo ka waramaya koontorooladaa iyo xaaladda maamul ee gobolka Sool wuxuu yidhi "tusaale ahaan tuuladda guumays waxa labada dhinaca ee wadada laamiga ah ka yaal saddex koontorool waxaana mid ka mid ah sudhan calanka buluuga ah ee Puntland, laakiin in ka badan dhawr iyo toban kontorool ayaa ku taxan wadada laamiga ah jiida gobolka Sool, sidoo kale magaalada Laas-caanood gudaheeda waxaad ku arkaysaa dhalinyaro fara badan oo iyagoo qoryo dhegta haysta dhex hogonaya suuqyada iyo wadooyinka magaalada, waxaad moodaysaa xero ciidan, talo kale ma jiro wax maamul ah oo gobolka Sool ka shaqeeyaa haba yaraatee, haddii ay tahay Somaliland iyo haddii ay tahay Puntland-ba, sidaa darteed ma jiraan wax kala dambayn ah oo gobolkaa ka jiraa."

Dhinaca kale sida la ogyahay maadaama aanay gobolka Sool wax maamul ahi ka hana qaadin, isla markaana ay dadka reer Sool dhextaal mawaaqiif kala duwan oo dhinaca siyaasada waxay taasi gayaysiisay xaalad kala dambayn la’aan ah iyo dhibaatooyin kale oo dhinaca nabad gelyada ah.

Ta kale talada beelaha gobolka Sool dhaqan ahaan iyo siyaasiyan-ba waxa la sheegaa inay ku urursantahay garaadada, laakiin reer Sool oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa dhawr iyo toban ma aha kuwo ka midaysan mawaaqiifta siyaasadda iyo talada beesha, sidaa darteed mid waliba ardaaga uu ka soo jeedo ayuu meel ku xidhay, taasina waxay keentay inay taladu baahdo iyo inuu gobolku ku dhaco meel kala dambayn la’aan ah.

Top


Shacbiga Somaliland Ma Wuxuu Noqday Meel Lagu Tijaabiyo Sunta Sigaarka

Warbixin - C/raxmaan X. Daahir (Casaan), Berbera

Marka la eego isticmaalka cabista sigaarka ee bulshada iyo ganacsiga sigaarka ee sanadahan ugu danbeeya noqday mid qayrul caadiya noocyada sigaarka ee kala jaad jaadka ah ee sida xad dhaafka ah uga soo dega dekeda magaalada berbera ayaa waxaad moodaa inay bar tilmaameed u noqotay wershadaha sunta sigaarka sameeya ee kuyaal dalalka hore u maray siiba kuwa reer yurub oo noocyada cusub ee sunta sigaarka ay sameeyaan usoo waarida ahna waxay ku xisaabtamayaan somalida oon ahayn sigaar cab laakiin ah sigaaryo cab ayaa waxa uu si toosa uga soo degaa isagoon meel alaale meel kale oo uu soo maray aanay jirin iyo cid soo baadhay toona inta noogatiinkiisu ama birta ku jirtaa ay leegtahay oo aan wax calaamad ah lahayn oo conteders ku cabaysan ayaa waxa uu yimaadaa dekeda berbera isagoo nooc kasta ay lasocdaan suuqgelintii lagu xayaysiinayay dadkana lagu barayay ee ay soo raaciyeen wershadaha sunta sigaarkaasi sameeya sida Garamaan, Koofiyado, Qalmaan Talaagado, Dalaayado, IWM ayaa waxa ugu horayntiiba lagu qaybiyaa goobaha yaryar ee lagu gado sigaarka si macmiisha baraarujiyo waxaana aad moodaa in balwada sigaar cabka Somaliland ay sawtalfaham badan ka qaateen kaasi oo isa siintiisa iyo mid walba cabkiisa ay caado u noqotay somaliland.

Hadaba inkasta oo sadex sano wixii kahoreeyay uu tirsanaa isticmaalka sigaarka ay bulshadu cabtaa hadana waxaa sabab u ah baaxada sigaarada xad dhaafka ah ee dalka la keeno kadib markii uu xumaaday xidhiidhkii u dhexeeyay labada dawladood ee Djibouti & SomaIiIand waxa ay samaysay ganacsade reer Jabuuti ah (ina-Boore) oo isagu wakiil uga ahaa shirkada (BAT) inuu dalka ka mumnooco waxaana uu ahaa sigaarka ugu isticmaalka badan sida uu wakhtigaasi oo ahaa 2000 daraasad uu sameeyay khabiir katirsan (BAT) oo la odhanjiray Iron uu ku sheegay ayaa waxa uu yidhi sigaarka bariga Africa lagu cabo waxaa kabadan ka jiida Burco lagu cabo isagoo ula jeeday in siyaado lasiiyo xayaysiiska waxaana xayiraadii sigaarkaasi laga dhaxlay sigaaro cusub oo is yidhi kaalintaasi buuxiya ama isticmaalkoodu yaraaba oo qayrul-caadiya dalka loo keenay sida Aston, Bond, Baston, GoIdsaIe, GoIden, Sovareign, RovaIi, City, Burus & Sons, Arnbassy, Re-gan, Regancyer, Tradition, Nurnberl, Kharndan, Legand, Marnphis, Fine, Player, RoyaI, Royal Light, Benson & Hedges, MarIboro, iyo qaar kale oo fara badan. 

Hadaba iyada oo sida la ogyahay wershadaasi sigaarka ay sameeyaan dalalka ay ku yaalaan iyo wadamada caalamka cidhiidhi laga saaray sidii looga takoori lahaa cabista sigaarkaa oo meel kasta oo bulshada ay isugu yimaadaan ama ku kulanto laga mumnoocayayaa hadana si dadku u yaraysto waxa afar jeer laab lagu labanlaabay cashuurta oo baakidhka Benson ahi London kayahay $10 ayuu inaga kayahaya $1 doolar taasina waxay kuu muujinaysaa caafimaad darada uu dadka u leeyahay in cidhiidhi ba’an laga saaray.

Hase yeeshee, shacbiganu aanu lahayn fiiro uu ku diido waxyeelada uu u leeyahay cabista sigaarku, hase ahaatee ay noqdeen haashteriga lagu ururinayo nooc kasta oo ay sameeyaan wershadahaasi reer Yurub.

Qiime aad iyo aad u jaban ayaa waxa laga iibiyaa bulshada belwad ahaanta u isticmaasha sigaarka iyadoo inta badan dadku aanu lahayn kaantarool uu belwadiisa ku xadeeyo ayaa waxa inta badan dhacda in qofku ilaa shan nooc maalintii isticmaalo waxaana ka mid ah noogatiin kala jaad-jaad ah qofka kaga iman kara waxyeelo caafimaad.

Top


Weriye Ka Tirsan Jamhuuriya Oo Lagu Xidhay Berbera

Berbera (Haatuf) Weriyaha Wargeyska Jamhuuriya uga soo warama magaalada Berbera ayaa maalintii shalay xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedeeyay sida la sheegay warbixin uu ka qoray maamulka gobolka Saaxil maalintii jimcihii.

Sida uu sheegay taliyaha qaybta booliska ee Berbera Yuusuf Kaahin oo uu la xidhiidhay weriyaha Haatuf ee Berbera C/Raxmaan X. Daahir waxa xadhiga weriye Maxamed Biid u sabab ah warbixin uu taliyuhu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn oo uu ka qoray maamulka gobolka iyo hay’adaha Dawladda, isaga oo buu yidhi taliyuhu warbixintiisa ku sheegay xafiisyo uu soo kormeeray oo uu ka mid yahay xafiiska badhasaabka oo qufulan iyo kuwo madaxdii lahaa ay ka seexdeen.

Waxa uu taliyuhu intaa ku daray in uu weriyuhu sheegtay awood uu ku kormeeray sida Madaxweynaha xafiisyada uu ka mid yahay ka badhasaabku, isaga oo taliyuhu cadeeyay in xadhiga weriyaha ay u dhan yihiin maamulka gobolka Saaxil.

Maaha markii ugu horeysay ee xukuumaddu qabato mid ka mid ah weriyayaasha dalka. Balse ma cadda sida ay sharci u tahay qabashada weriyahani. Laakiin ururka SSJW ayaa xukuumadda ka dalbaday sii daynta weriyahaa.

Top


Dawladda Pakistan oo Shaaca ka Qaaday Qabashada Ku-Xigeenkii Hogaamiyaha Al-Qaacida

Islamabad(CNN) Dawladda Pakistan ayaa maalintii shalay shaaca ka qaaday inay qabatay mid ka mid ah hogaamiyayaasha sar sare ee ururka Alqaacida oo la yidhaa Khaalid Sh. Maxamed iyo xubno kale oo ka mid ah ragga ay Dawladda maraykanku aadka u doondoonaysay.

Sida uu sheegay masuul sare in ninkan ay dhalashadiisu ka soo jeedo bariga dhexe balse daboolka kamay qaadin dalka uu u dhashay. Laakiin waxa uu masuulku sheegay inuu ka mid yahay hogaamiyayaasha sarsare ee la shaqeeya Usaama Binu Laaden Hogaamiyaha alQaacida.

Sida la sheegay Khaalid Sheekh waxa uu ka mid ah raggii abaabulay weeraradii 11-kii September 2001 lagu qaaday maraykanka sidaa darteedna Dawladda maraykanku si aad ah ayay u baadi goobaysay rag uu ka mid yahay Khaalid Sheekh iyadoo cidii war ka keenta ugu balan qaaday Lacag lagu qiyaasay malaayiin dollar.

Qabashada Khaalid waxa ay maraykanku u arkayaan guul ay ka gaadheen la dagaalanka waxa ay ugu yeedhaan Argagixisada.

Dawladda Pakistan ilaa iyo hadda daboolka kamay qaadin waxa ay ka yeelayso Khaalid Sheekh, balse masuuliyiinta Pakistan waxay wadaan baadhitaan la xidhiidha qabashada Khaalid iyo xubnaha kale ee weheliya oo aan tiradooda la cayimin.

Top


Shir-Madaxeedkii Carabta Oo La Soo Gebogebeeyay

Sharma-Sheikh (W.Wararka) - Shir-madaxeed deg-deg ah oo ay ku kulmeen Madaxda dalalka Carabtu ayaa maalintii shalay lagu soo gebogebeeyay degmada Sharma-Sheikh ee dalka Masar, iyagoo madaxdu isla eegay xaaladda dalka Ciraaq iyo guud ahaan xaaladda ka taagan dalalka Carabta.

Muddadii shirkaasi socday, Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa ugu soo bandhigtay hindise ugu baaqaya maamulka Sadaam Xuseen inuu ka dego talada muddo laba toddobaad ah iyo in la siiyo magangelyo siyaasadeed haddii uu sidaa aqbalo.

Waxa kaloo hindisaha ka mid ah in Jaamacadda Carabta iyo Q. Midoobay ay kormeeraan xaaladda gudaha ee Ciraaq mudadada kala guurka ah.

Tani waxa ay ahayd markii ugu horaysay ee dalalka Carabtu ay u soo jeediyaan Ciraaq inuu ka dego Xukunka Sadaam Xuseen, balse maamulka Ciraaq ayaa Gaashaanka ku Dhuftay arrintan oo ay ku tilmaameen mid aan meesha qabanin.

Shir-madaxeedkan deg-dega ah oo socday maalin keliya waxay kasoo saareen Madaxda Carabtu qoraal ka kooban dhawr qodob oo ay ka mid yihiin iyagoo Ciraaq ugu baaqay inay iskaashi intan ka ballaadhan la yeelato baadhayaasha hubka, si looga badbaado weerar lagu qaado Ciraaq, taas oo ay ku tilmaameen mid lagaga badbaadayo qas ka dhaca Bariga Dhexe, balse aanay ku faragelinayn xaaladda gudaha ee Ciraaq.

Top


Ciraaq Oo Bilowday Baabi’inta Gantaalaheeda Al-SAMUUD Iyo Jawaabaha Laga Bixiyay

Baghdad (W.Wararka) - Mas’uuliyiinta Ciraaq ayaa maalintii shalay bilaabay burburinta gantaalaha Al-SAMUUD II, kadib markii ay sidaa dalbadeen baadhayaasha hubka ee hawsha ka wada Ciraaq, iyadoo Q. Midoobay gantaalahaa ku tilmaantay inay ridadoodu aad uga dheer tahay xadka uu dhigaayo sharciga Q. Midoobay.

Mas’uul ka tirsan maamulka Sadaam Xuseen ayaa sheegay in la bilaabay hawsha burburinta gantaalahaa, lana fuliyay burburinta afar ka mid ah inta kalena la burburin doono maalmaha soo socda, iyadoo la fulinayo dalabka Q. Midoobay.

Burburintan gantaalaha ee Ciraaq ayaa loo arkaa mid baajin karaya weerar uu Maraykanku horkacayo oo lagu qaado Ciraaq. Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo madaxa baadhayaasha hubku uu u gudbiyay Golaha Ammaanka warbixin dhammaystirana oo ka hadlaysa halka ay marayso burburinta hubka Ciraaq, taas oo loo arko in burburinta gantaalahan Al-Samuud ay muujinayaan horumar weyn oo laga gaadhay burburinta guud ahaan hubka Ciraaq.

Tallaabadan ay qaaday Ciraaq, waxaa ay soo dhoweyn weyn ka heshay bulshada Caalamka, iyadoo loo arko mid burinaysa borobagaandhada hubka Ciraaq ee uu faafinayo Maraykanku. Waxaanay tani keentay dhawaaqyo farabadan oo ku baaqaaya in la baajiyo dagaal dhaca iyo in arrinta lagu dhammeeyo xal diblomaasiyadeed.

Waxay tani ku soo beegantay iyadoo guddoominta G. Ammaanka uu la wareegay dalka Genuea oo ka tirsan Afrika, taas oo keentay in dalalka Afrika ay cadaadis xoog leh kala kulmaan dalalka waaweyn oo ku saabsan burburinta hubka Ciraaq.

Dawladda Maraykanka iyo Ingiriiska oo raacsan ayaa u guntan sidii ay u heli lahaayeen qaraar u fasaxaya weerar lagu qaado Ciraaq, laakiin waxa taa aad uga soo horjeeda dawlado farabadan oo ay horkacayaan Jarmalka iyo Faransiisku.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Calan-Cas Waa Nimanka Ay Somaliland Ka Dhabta Tahay

Sideedaba ruuxa aadamaha ahi waa uu neceb yahay in badanaa lagu soo hadal qaado waxyaalo aanu ka qayb qaadan oo hawlo ahaa kuwaasi oo dhacay xilliyo la soo dhaafay oo ka horeeyey xilligaasi la hadal hayo, sida ay doonaa iyo nooca ay doonaan ha kala ahaadeene.

Haddaba dalkeenan Somaliland oo soo maray taariikho kala duwan ayaa waxaad moodaa inay dad badani maanta ku dhiiradaan wax ka sheega ashkhaas ka mudan qadarin iyo qiimayn gaar ah dalka iyo dadkaba, kuwaasi oo ka leh dano gaar ahaaneed iyo mid ay ka keentay shakhsi nacayb iyo hebel baa neceb hebel intaba.

Aan u soo noqdo dulucda maqaalkaygane waxaa beryahan ku soo noqnoqnaysay dhegahayga ereyo ku liddi ah urur siyaasadeeda Kulmiye kaasi oo lagu eryanayo ashkhaas aan marnaba la hilmaami Karin miisaanka iyo kartida ay ku leeyihiin waddanka, kuwaasi oo ah kuwii dhiddibada u taagay Somaliland raagi oo lagu sheego inay yihiin qaar aan ka daacad ahayn horumarka ay hiigsanayso Somaliland looguna yeedho magaca "calan-cas". Haddaba marka laga yimaado intaasi laga dhaadhiciyey dadka inta masaakiinta ah ee aan fahmaynin waxba waxaynu is waydiinaynaa waa ayyo nimanka la yidhaa calan-cas? Haddii aan isku dayo inaan ka jawaabo su’aashaasi waa inta aaminsan ee weliba ku adag mabda’a gooni-isu-taaga Somaliland kana soo horjeeda siyaasada dahsoon ee uu bustuhu saaran yahay marka laga hadlayo Somaliland, jecelna inay Somaliland ku tallaabsato horumar taama, haddaba waa yaabe ma dadkaan ahayn Somaliland mise meel kale ayaa laynooga yeedhaa waatan oo waxbaa innagu si ahe.

SNM oo laba garab ahayd garabka qudha ee ka dhab ahayd inay Somaliland noqoto dal madax-banaani taam ah ku naaloodo waa garabka loogu neceb yahay ee loogu yeedho qas-wadayaasha,yaa u taagay Somaliland dhiddibada illayn waynu ogeyn halka uu garabkii kale kala dhacay Somaliland markii loo dhiibay labadii sannadood ee burco lagu soo doortaye, u fiirso dowladdii uu marxuum Cigaal ku soo dhisay shirkii Borame waa tii u taagay Somaliland haykalka dowladnimo waatii timid xafiisyo bilaa agab ah, kastam lagama dhaxlin shaqaynaya dowladdii ka horaysay lagama dhaxlin nidaam dowli ah oo shaqaynaya waxaa laga soo bilaabay hawlaha "Zero-Point" raga maanta la eryanayaa waa raggii ka tagey haykalkan dawladnimo ee aasaasay markii loo quudhi waayey horumarka deg-dega ah ee ay ku talaabsanayaana waatii la ogaa wixii ka dhacay iyo halkii ay ka fad-kudu yeen raggii ku abtirsanayey maamulkii ka horeeyay waxay sameeyeen la ogaa. 

Maamulkii marxuum Cigaal ee u horeeyay oo uu lagu tilmaami karo tiimkii ugu xulsanaa uguna adkaa maamuladii soo maray Somaliland oo ah ka tagey midhaha haynu hadhsanayno waa ka aan dabadii la qaramayn wax ciidan qaran ah, waa kii hirgeliyey lacagta Somaliland oo ah astaantii kowaad ee aynu kaga soocanay somaliya marka laga reebo calanka, waa kii geliyey cashuuraha nooca ay doonaan ha noqdeene, oo raga qaarkood dabaabad la dulmarin gaadhay cashuur ururin iyo hirgelin maamul daraadeed Haddaba dadweynow waa iga su’aale bal iyaba waa qisee ma nimankii waxay Somaliland u gaysteen la ogaa ayaa mudan in lagu caayo warbaahinta dowladda mise raggii u soo halgamay ee haddana dhiddibada u taagay Somaliland.

Waxaynu ka wada dharagsanahay c/raxmaan axmed tuur oo aynu ogayn halka uu ka taagnaa Somaliland iyo waxa uu u geystay in maanta la amaano ma xuma laakiin waa inuu inoo sheegee inay ahaa nin gefsan oo baal-maray rabitaankii ummadiisa laakiin yaanu docda hore ee dowladda soo fadhiisan isaga oo gashan wali shaadhkii xajiinta lahaa ee federal-ka kaasi oo la ogyahay inuu ahaa ninkii shiday shamacii dagaalka sokeeye,sidaasi aawadeed waa iska caadi in dowladdu mus dambeedka ku hayso oo raggii la fikirka ahaa ayaa ka tirsan xukuumadda xalka ah ee inoo dhisan maanta. 

Raggaasi waa kuwii is hortaagay inuu maamulku ku fido goboladda dalka oo dhan iyo aynu ogayn waxay ka sameeyeen markii dar-dar la geliyey hawlihii qaranka, markaa maanta waa geddood iyo caaddadood inay yidhaahdaan waxaa soo socda nimankii waddanka baa’biiyey oo doonaya kursi oo isku urursaday kulmiye, waayo waxa ay ogyihiin inay yihiin rag aan waxba aan iska dhicin Karin haddii laysula soo baxo saaxadda siyaasadda oo la boolatiigo, waanad ka dhadhansan kartaa hadaladood waxaanay ka doorbideen inay yidhaahdaan dagaal ayaa dhacaya haddii la doorto nimankaasi, waana iyaga kuwa ridayaa ee way ka sii afeefanayaan, waxaana kaaga markhaati ah erayadii ahaa "haddii udub la dooran waayo inan cas iyo gaadhi cad laysla heli mayo."

Sidaasi aawadeed dadweynow bal taariikhda dib u raac oo kala garo ka wax kuu soo taray iyo kan marka aad madaxa la yara kacdo kaa jaraya, adigayna kuu taallaa kaad dooranayso laakiin ogow inay mar walba horayso iyo dambayso ay isu haysay wixii Snm la odhan jiray qolo aaminsan Somali-weyn iyo qolo aaminsan Somaliland markaa aday kuu taallaa kaa raacayso laakiin calaacalkaa reeban marka aad ka soo go’do darbiga lagula eeganayo ee aad ka dhoohan tahay. 

Qolyaha taariikhda iyo mujaahidiinta been ka sheegaya ee jaraa’idada ku caytamayana waxaan leeyahay dib ugu noqda taariikhda inta ay daan waxba cid ka sheegin, taariikhda ayaa sheegi doontana ninkastaa waxa uu galo iyo waxa uu gudo. 

Naasir Maxamed Cali 
Hargeysa

Top


Dambi Ruuxii Laga Gallay Gocosho Ma Daayo

Iyada oo aynu hiigsanayno dawladnimo umadda wada deeqda kuna dhisan sinaan iyo caddaalad, isla markaana ku timid rabitaanka dadweynaha sida aynu ka warqabno xaaladdo midba mid ka darantahay ayaa ka jira magaalada Tog-Wajaale oo haddii aynu sooyaalka taariikheed dib u jaleecno ahayd goobtii haldoorka u ahaa halgankii qadhaadhaa ee xukunka lagaga tuuray kalidii taliyihii Siyaad Barre.

Tog-Wajaale oo ah rugta ganacsi ee isku xidha wadankan iyo dariska iyo walaalahaba nahay ee Itoobiya.

Tog-Wajaale oo ah magaalooyinka faro ku tiriska ah ee uu ka soo xareedo dhaqaalaha degmada Gebiley marka laga reebo kastamka cashuuraha ee Kalabaydh kuma koobna xaalad biyo la’aaneed kali ah ee waxay dhamaanba goblan ka tahay dhamaanba adeega aasaasiga ah sida biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Biyaha
Biyaha oo ah laf-dhabarta noloshu ka unkanto la’aanteedna ayna nololi suurtobayn ayaa hadda waxa gabaabsi ah harooyinkii ama balayadii ay ka cabi jireen bulsho waynta reer Wajaale, iyada oo uu hadda socdo ceel ay binaheeda wadaan hay’adda Coopi ayna qodi doonaa xadi gaadhaya 100 Mitir qiimaha uu ku kacanay bixin doonaan 85% halka 15% hadhayna uu balan qaaday maayarkii ugu dambeeyay sideedii maayar ee soo maray Degmada Gebiley oo waxqabad hodan ka ahaa isla markaana uu diiday in uu bixiyo 15% kuu balan qaaday taasna ay goob joog ka ahaayeen guddiga magaaladda qoraalo cadaynaya ay hayaan.

Caafimaadka
Dawladdu iyada oo fulinaysa siyaasadda daryeelka caafimaadka guud waajibna ka saaran yahay haqabtirka qalabka ka horgtaga cudurada faafa, isla mar ahaantaa uu xilka saaranyahay horumarinta iyo baahinta adeegyada caafimaadka ayay hadda ka jiraan cudurada ka dhasha cabida biyaha balayada sida (Intestinal Amoeabisis &Diarhoea) maadaama ay Togwajaale noqotay xuduntii ganacsi ee ina xidhiidhisa wadanka Itoobiya oo ah wadamada cudurada faafa aafeeyeen ayaa qadarin mudan sidii loo xakamayn lahaa dadweynaha isaga goosha labada wadan loona heli lahaa talaal ka hortg ah (Prevent Vaccine) taas oo ah dariiqa kali ah ee lagaga badbaadi karo xanuunada ay keenaan virus-ka ili ma aragtayga ah.

Waxbarashada
Waxbarashada oo ayna u aragno maalgalinta ugu haboon ee kaalinta ugu wayn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed iyo dhaqaale isla mar ahaantaana akhris iyo qoris la’aantu ay tahay waajib umadeed waxaa haboon in awooda la isu geeyo fulinta waajibkaas.
Heerka waxbarasho ee Wajaale waa mid hooseeya taas oo ay keentay macalimiin yaraan waxaanay leedahay laba dugsi oo kala ah dugsi hoose/dhexe inkasta oo ay joogaan macalimiin khibrad iyo waayo-aragnimo leh soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa (Far kali ahi fool ma maydho).

Waxaanan ku soo gunaanadayaa maqaalkaygan su’aalahan.
Dambiyada laga galay mudan maqaar laga tagi doonaa?
Maka badbaadi maamul xumadii ragaasiday 12 sano ee tagay?
Waxa se maka badeli doonaa maamulkan cusubi siyaasadiisa cusub?

Maxamed Cabdi Cali
Tog-Wajaale

Top


Wasiirka Cusub Ee Waxbarashada Waxaanu Ka Sugaynaa Isbedel Wax Ku Ool Ah

Annagoo ku hadlayna magaca iyo afka ardayda dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali waxaanu u hambalyaynaynaa isla markaana u bogaadinaynaa wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashada, Cismaan Xasan Mire, waxaananu Ilaahay uga baryaynaa inuu Ilaahay xilka u fududeeyo kuna garab galo.

Si kastaba ahaatee wasiir waxaan jira dhibaatooyin fara badan oo u baahan isbedel wax ku ool ah, laakiin ardayda dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali aad iyo aad ugu diirsadeen wasiirka cusub, iyagoo ka rajaynaya inuu soo kordhiyo waxqabad cusub, inkasta oo aanu ilaa hadda waxba soo kordhin, waxaana jira dhibaatooyin badan oo u baahan isbedel iyo in wax laga qabto, kuwaas oo naga haysta dhinaca waxbarashada, iyadoo cabashooyinka aanu u soo gudbino madaxda waxbarashada ee gobolka Hargeysa aanay waxba ka qaban.

Dhibaatooyinkaas waxa ka mid ah kuwa dhinaca maamulka khuseeya, manhajka waxbarasho ee naloogu talagalay oo sanadkasta qabyo nagaga dhamaada, iyadoo aanay macalimiintayada qaarkood haysan manhaj ay wax ka dhigaan, sidoo kale waxa jira maqaaxiyo iyo suuliyo dugsiga soo dhexgalay iyo dhibaatooyin kale. Sidaa awgeed waxaanu wasiirka cusub ka codsanaynaa inuu wax ka qabto dhibaatooyinkaa iyo guud ahaan dhibaatooyinka haysta waxbarashada.

Maxamed Qaasim Maxamed
Foosiya Faysal Fu’aad
Saado Yaasiin Birhaye
Jaamac Jawhar Faahiye
Axmed Maxamed Caateeye
Aasiya Abaadir Kayse
Hargeysa 

Top


Talooyinka Inala Gudboon Marxaladan Maanta La Marayo

Aniga oo Ban qoraa ahayn horena Ban dhawr jeer mooyee Ban wax u qorin ayaa habeen dhawayd oo Ban salaatullayl tukaday igu soo dhacday fikrada maqaalkani. 

Maqaalkaygan waxaan ku soo jeedinayaa talooyin inagu haboon (XUKUUMADA IYO BULSHADA IYO QURBA JOOGTA REER SOMALILAND). 

  1. Ugu horeyn talooyinka la gudboon xukuumada ( T A IMIKA T ALADA HAYSA AMA TA SOO SOCOTA). 

    1. DAACAD inay xukuumadu ka noqoto arimahan soo socda( ka midho dhalinta halgankii ay shacabku u galeen dalkan, horumar la gaadhsiiyo dalkan, ictiraafu helidajamhuuridan). 

    2. CADAALAD inay la timaado ileyn waxa dawladaha iyo umadaha lagu rogo waxa kow ka ah cadaalad darada,e. 

    3. BLANkeeda siyaasadeed inay daabacdo oo ay faafiso si loola xisaabtami karo tusaale ahaan waxa ay ka fulisay siayysadeedii ku wajahnayd (waxbarashada,caafimaadka ,shaqada) iwm. 

  2. waxa iyadana bulshada reer soomaliland la haboon 

    1. Inay wax ka badalaan fikirkooda iyo afkaartooda qaloocan sida 

      • Ninka ku xukumayaa waa fin kaa shaqaysanaaya (runtiina waa fin adiga shaqaale kuu ah). 

      • Maxaan qabsadaa (iyada oo ay tahay arinta qumani maxaynu qabsanaa ). 

      • Fikrada fin jeclaysiga ( oo lagu badalo wadaniyad iyo in dalka la jeclaado ). 

    2. INAY ururo bulsho samaystaan oo ay xukuumada xaqooda kagala doodaan sida ururada 
      (ARDAYDA, GANACSATADA, BEERALAYDA, KALUUMAYSATAD). 

    3. INA Y iska ialaaliyaan jahawareerka uu ku ridaayo siyaasiga danta lihi 

  3. wax a iyagana qurba joogta reer Somaliland la haboon

    1. waar magaciinjirye maal gashada dalkiina ileyn kama liidataan nimankaa ilma nabi israa'iil ee dhul aanay si sharci ah u lahayn halkaa gaadhsiiyaye. 

    2. Idinka laftigiinu si ururo ah hawlahiina ku fushada. 

U gu dambayn waxaan ilaahay ka baryayaay inuu danteena aduun iyo aakhiroba ina garansiiyo oo uu inagu toosiyo isagaa kara' e 

KHAALID MAXAMED AYJEEX HARGAYSA \SOMALILAND

Top


Raadyow Ma Qaloocshe Ha Loo Bixiyo Radio Aragti Dheer

Tilmaan tusmo, taageero u socota warbixinta xikmadda iyo xiisaha badan raadyow maqaloocshe run ahaan waa warbaahiye tayo leh oo ugu fadhida bulshada xiisaysa dhagaysigiisa iyo akhriskiisaba macno wayn ugu fadhiya, waxaanu bulshada u gudbiyaa macluumaad kala duwan, oo ay kala baxaan xikmad kuwaasoo ay ka mid yihiin waxbarid, wargalin, wacyi-galin iyo mada-daalo, maadaamo uu intaas oo mawjadood uu ka hadlo raadyawgu waxaan soo jeedin lahaa magac bixin cusub oo waxan odhan lahaa ha loo bixiyo (Raadyow Aragti dheer) maadaama dhinac kasta uu iska raacsanyahay raadyow ma qaloocshe haatufna ay dheertahay wargeysyada kale.

Dhinaca kale waxaan warbaahinta muga leh u soo jeedinayaa in lagu darro barnaamijyo cusub sida hal xidhaalayaal, hide dhaqameed ah kuwaas oo noqon doona qaar bulshadu xiisayn doonto.

Dedaalkiina halkaa ka wada, waana na daajiseen reer ma qaloocshaw.
Hadal iyo murti bulshadu way ku wada qanacsantahay akhriska iyo dhagaysiga Raadyow ma Qaloocshe.
Maxamed Sagax

Jawaabta Tifaftirka
Waad mahadsantahay saaxiib fikradda fiican ee aad noo soo jeedisay iyo sida muga leh ee aad uga soo hadashay Raadyow ma Qaloocshe. Soo jeedintaadana magaca cusubna waanu ka fiirsan doonaa.

Dhinaca barnaamijyadana waanu ku dedaalnay, tusaale ahaan waxaan dhaqanka ku baahinaa maalinta Arbacada oo aanu ku baahino barnaamijka aanu ugu magac darnay (Irmaanta Suugaanta) Waxaa kale oo aanu ku dedaalaynaa in aanu wixii dhimana ku soo biirino wargeyska.

Waxaa kale oo aan soo dhawaynaynaa fikradaha iyo qoraalada akhristayaasha oo dhan gudaha iyo debadaba iyo ka qayb qaadashadooda barnaamijyada kala duwan oo dhan.

Top


Siyaasaddu Malaha Saaxiib

Nin siyaasi ah oo ingiriis ah ayaa laga hayaa siyaasadu ma laha colaad joogta ah mana laha saaxiibtinimo joogta ah balse waxay leedahay masaalix joogta ah hadalkaa ayaa igu soo dhacay markii aan maqlay go'aanka ay qaateen hogaamiyayaasha xisbiga mucaaridka ah ee asad oo go'aansaday inay ku biiraan xisbiga dawlada ee udub dad badan oo maqli jiray hadalada ka soo yeedhi jiray mr.sulaymaan gaal hogaamiyaha xisbiga oo uu ku eedayn jiray dawlada somaliland siyaasadeheeda iyo xisbiga udub uu arki jiray inuu ku milansanyahay dawlada ayaa la fajacay talaabadan iyagoo filayay inuu asad ku biiro kulmiye oy iskaga dhaw yihiin dhinac afkaarta iyo mucaaridnimada balse waxaa guulaystay codkii danta xisaab yar hadii lagu sameeyo danaha ay asad ka helayso ku biiritaankaa ayaa muujinaysa inay asad iyo hogaamiyayaashiisu ay ciyaareen sidii saxda ahaa udub oo ah xisbiga dawlada doorashadii golaha deegaankana helay oo codadkuu helay ay libinlaab ka badnaayeen xisbiga ku xiga ee kulmiye dhaqaale iyo awoodna aad u malaysid inuu kaga horeeyo labada xisbi ee kale ayaa ku biiritaankiisu uu haday udub ku guulaysato doorashooyinka uu siinayaa asad inay hantido dhawr kursi haba awood yaraadaan karaasidaaye balse way dhaamaan wax la'aan iyo is biimaynta ay is biimayn lahaayeen haday galaan labada xisbi ee kale sulaymaan wuu ka niyad jabay madaxtinimo ama kuxigeenkiis balse isaga iyo xubno ka tirsan xisbigiisa kamay rajo beelin inay qabtaan jagooyin iyagoo arkay inay habka ugu wanaagsan ay taa ku heli karaana ay tahay inay ku biiraan udub waxba kama qabno balse taasi waxay ku xidhantahay awooda ay dadka beelaha sulaymaan uu ka soo jeedo ay ku leeyihiin udub miisaan culayska ragaas wuxuu ka dhiganyahay fursadaha Saleebaan Gaal oo hoos u dhaca balse meesha kama maqna in la ka la saxeexday hadaba shakliga ay noqon doonto xukuumada soo socota iyo kaalinta ay ku lahaan doonaan bahda reer asad.

balse dhinaca kale talaabo muujinaysa xirfad siyaasadeed oo heer sare ah ayaa waxaa ku dhaqaaqay nin xubin muhiim ah ka ahaa asad waa c/raxmaan aw cali oo u hanqal taagaya inuu soo ceshado jagadii uu mr. riyaale ka qaatay oo ahayd madaxawayne ku xigeenka wuxuu si lama filaan ah ku biiray xisbiga kulmiye waxaana si uga yaabsan looga dhigay madaxwayne ku xigeenka ninka u sharaxan. c/raxmaan oo doorsiga ka duwanaa gudoomiyihiisa mr. sulaymaan ayaa maskaxdiisa ku haysatay arimo badan oy ka mid tahay inuu soo ceshado jagadiisii hore fursadaa oo xisbiga kulmiye uu ugu deeqay ta labaad wuxuu xisbiga kula jiraa hogaamiyana ka ah rag lagu tiriyo inay yihiin garabka midig ee siyaasada somaliland oo qayb ka soo qaatay halgankii xoriyad doonka ahaa dan umay ahayn c/raxmaan inuuu galo xisbi ay ku badan yihiin shakhsiyado culays leh oo xitaa haduu ku guulaysto uuna ka helayn jago naasibta hantaaqiisa wuxuu doortay inuu khilaafo asxaabtii uu ciyaaro ciyaar aad u khatar ah ama hel ama wax ha helin haduu kulmiye guulaysto wuxuu noqonayaa ninka labaad balse haduu khasaare wuxuu ka mid noqonayaa 3 milyan oo qof wayna adkaanaysaa siduu siyaasada ugu soo laabto.

Talaabooyinkan danbe waxay xambaarsanyihiin in awood qaybsigii safafka hore ee madaxtinimada iyo ku xigeenkiisa ay ku eekaadeen ugu yaraan wakhtigan aan ku jirno labada beelood ee isaaq iyo gadabuurso taas ooy keenayso qalalaasaha siyaasadeed ee ka jirta dhinaca bari.

Intaas oo dhan waxaa ka soo baxaysa su'aal ku biiritaankani faaiido maw leeyahay sadexda xisbi balse maleeyahay wax xumaan ah jawaabtu labadaba way noqon kartaa ku biiritaanka shakhsiyaadkan ay ku biireen xisbiyada waxay keenayaa inuu balaadho baaxada taageerada sadexda xisbi maxaa dhacay xisbi kasta oo ku soo biira sadexdan xisbi wuxuu soo jiidanayaa taageerayaashiisii balse sidoo kale kama maqna sheekadu dhibaatooyin shakhsiyad kasta oo ka tirsanayd xisbiyadii hore oo ku soo biirta sadexdan xisbi waxay rabtaa inay cod ku lahaato xisbegeeda cusub gudihiisa taas oo u baahan in la siiyo jagooyin xisbiga cusub gudihiisa ah taasna waxay keenaysaa khalkhal ku yimaada habdhismihii siyaasadeed ee xisbiga dhibaatada labaad waxay tahay dareen ku kaca xubnihii hore ee xisbiga ooy dareemaan inay nimankan cusubi ay ku cidhiidhinayaan jaqooyinkoodii iyo awoodiiba ayna khatar galinayaan fursadaha soo socda ay ka mid tahay jagooyinka soo bixi doona taasi waxay keenaysaa shaki iyo wada shaqayn la'aan oo abuurmata xisbiga gudihiisa ku biirsigana ma istaagayo wuuna sii soconayaa waxaa la odhan karaa ianay maalmahani yihiin maalmo codka gorgortanka siyaasadeed aanan laga saraynin gorgortankaa dhexdiisana waa inayna ku lumin danta reer somaliland ka dib doorashada markuu xisbi guulaysto waxaa la arki doonaa shaadhadh badan oo is badalaya.

Si kastaba ha ahaatee Sulaymaan Gaal wuxuu ku shaqeeyay xikmada tidhaahda inaad wasiir ka noqotid Rome (udub)ayaa ka wanaagsan inaad boqor ka noqotid Masar (kulmiye) balse C/raxmaana wuxuu ku leeyahay oo maxaan ku diidi waana fursad xisaabe hore iyo kuwa danbaba lagu sifeeyn doono anaguna hadaan reer somaliland nahay waxaan ka dhargi doonaa daawasho.

Adaa dheeman iyo luul iyo dhagaxa dahabka qiimiyo wax dheeroo adaa dhir iyo ubax iyo dhool aroor da'ay iyo dhul xareedi wadhantahay uga dhigan naftaydee.

Osman Ahmed

Top


Sidi-Sididaada Mooyee Dhul U Dhacaaga Hubso

Ibnu-aadamku waxay isku dayaan iney wax ka korodhsadaan wacyiga iyo waayaha hadba ay ku sugan yihiin iyagoo tixraac ku sameeynaya wixii hore loo soo kasbadey xumo iyo wanaagba, waxaa bar kuma taal ah marka had iyo jeer halkii shaley lagu kufey maantana qodaxdii taal welli iyadoo dhiigii kaasii qoyan yahey hadana mar labaad, saddexaad iyo afraadba ay kugu dhaceyso, waxaan uga socdaa wareysigii uu siiyey BBC-da hogaamiyaha xisbiga UCID(FEYSAL) uu ku xusey sharciga dhigaaya in nin heysta sharci kale aanu noqon karin madaxweyne, akhriste waxaad is weydiisaa dadkan habeen iyo maalin u heegana horumarka dalkiisa iyo dadkiisa ee dantiisii gaarka aheyd u gooyey hawlahaasi iyagoo nimanka sharcigan soo saarayaana ay tooda gaarka ka hormariyaan ta guud oo ayna aheyn wax qarsoon, bulshaweynta somaaliland ee ku firidhsan aduunyadu waa kuwa dhaqaalaha u badan dalkooda soo geliya waa kuwa ku dibjira dhaxan iyo baraf ba’anna ugu badheedha aayaha dalkooda kana soo horjeeda iyagoo mudaharaadaaya meelaha looga teliyo wadamada ay joogaan, waa kuwa soo geliya wadankooda $500,000 000 sanadkii(warbixintii UNDP 2000) waa kuwa intaas waraaqaha ku halgamaaya xag ICTIRAAF iyo ka hortag/beeneyn turunturooyinka cadowga iyadoon cidina u igman mushaharna aan ku qaadan.

Isweydiintu waxey tahey nimankan madaxda dalka ah ee loo igmadey hawshaas ee welliba si hagar la’aan ah u jaqa dhiiga dadka iyo dan yarta ee iyagoo soo jeedana riyoonaya kalana garan la’ xilliga lagu jiro waxaan kula talin lahaa iney fahmaan shaqadoodu waxey tahey gartaana inaan qodob sharci ah loo soo rogi karin shaqsi lagu xakameeyo, hadey u suurto gashey marxuumkii xijaabtey haku tala gellin iney adigana kuu suurtowdo, cadaalad la’aani waa tii loo hurey dhibka intaas le’eg, taada iyo tii laga halgameyna makala qabooba hadey kala sokeyso, waxaanu leenahey maya kaama aqbaleyno, Madaxweyne aamusnaanta ha moodin taageero ee waa kaadi badane waa loo gogol badiyaa, waxaa lagaa dhowrayaa bal halkay ku biyo shubato siyaasadaadu, xooga dibada yaalaana maaha dumin ee waa dhisid waxaa lagaa sugayaa bal inaad tixgeliso taageerada badan ee ay dadweynuhu ku siiyeen iyo inaad sidii ragii hore ku saxato.

Waxaan u soo jeedin lahaa saxaafada xorta ah, iney ka gudbaan is dhaleeceynta maxaa yeeley dadku aad buu idiin daneynayaa idinkaa dadka matala waa gollaha qudha ee tabashada dadka codkooda sare u qaada, ma tihidin saxaafad keliya eewaxaad qabataan si hagarla’aan ah shaqadii ay lahaayeen gollaha shacbiga oo nasiib darro lagu soo ururshey rag aad moodo ciyaala school dugsi dhexe ah kolka laga reebo tiro yar oo ugu horeeyo C/qaadir Jirde kuwaas oo leh sifihii laga rabey inuu yeesho qof umadan matalaa.

Sidaa aawadeed ayey xaqiiqatan uga xumaadeen dadweyne badan oo ku nool daafaha aduunyadu kala fogaanshaha dhexdiina soo galey waxaa la idiinka bartey inaad xaga dadweynaha uga dhowdihiin dawlada waana miisaan sugan, la’idiinkama fadhiyo inaad ku biirtaan yeyda faraha badan oo ku abtirsata hay’adaha xukuumada iyo inaad garbaha kala saartaan xisbiyada siyaasada ku hirdamaaya waxaad tihiin ama la idiinka yaqaanaa dibedaha (eagle eyes), Baal dahaba ayaad kaga jirtaan Taariikhda Somaliland ee dib ha u noqonina, halagana hortago shuruucdan loo soo saarayo shaqsi ku xumeyn waxaan ku soo gabagabaynayaa HEBELADAN ISU URAAYA EE DADKU U RAHMAN YAHEY ALLOW YAA KALA FURDAANSHA.

NINKA LAASKA DIHINEE; BIYUHU AY DURDURAYAAN
DARSANAAYA WEELKEE; KU DEJIYA SABIIBKOOW
AGOON DAADSANBAA BADAN; DUMAR OOMANBAA JIRA
DANYARTIYO SABOOLKUNA; DARANYEY U LIITAAN
WEY DIBIN JABEENOO; DAKHAR KALE MA SUGAYAAN (C/XAKIIN CALI XANDULLE, USA)
Waxaa soo diyaariyey Ismail M Gadiid (28-02-03)
Gadiidsomland@hotmail.com

Top


DIL-DILAACII UBAXA IYO KACAANKII DHERGIGA

Mingistu: Naag la odhan jiray Sahra Makonin oo hore uga tirsanaan jirtay jabhaddii Ereteriya, laakiin ka soo baxsatay oo markaa anaga nala joogtay, kana shaqaynaysay wasaaradda warfaafinta ayey Wayaanuhu markii ay Adis-ababa soo galeen qabteen, ka dibna waxa ay gacanta u geliyeen Ereteriya, halkaas ayey Ereteriyiintu ku dileen. Laakiin Sahra markii ay ka soo baxsatay jabhadda Ereteriya waxay aragtay gabadhii la odhan jiray Nigist oo marna soo gelaysa, marna baxaysa. Laakiin anigu waxaan damacsanaa inay Nigisti la wareegto masuuliyadda isu ururinta iyo taakulaynta haweenka, taas darteedna ay ka shaqayso hawlo badan oo baylah ka ahaa dhinaca haweenka, una baahnaa in wax laga qabto, Sidaa darteed Nigisti hawlo caynkaas ah ayey u dhaqdhaqaaqaysay,waxayna ii soo jeedinaysay fekrado ay leedahay sidaa iyo sidaa hadii aynu yeelno ka warran, anaguna wixii ra’yi ah ee aanu qabno waanu waydiin jirnay ama waanu u jeedin jirnay, isla markaana gacan ayaanu ka siin jirnay wixii hawlo ah ee ay waddo ee la xidhiidha dhinaca ururinta iyo wax ka qabashada baylahda haweenka. Sidoo kalena wax alaale wixii dhinacayaga kaga soo xidhma waanu u kala habayn jirnay oo aanu u fulin jirnay, laakiin gabadhaasi markii dambe iyadoo ka faa’iidaysanaysa xidhiidhkayagii iyo isu soo dhowaanshayagii ayaa la ii sheegay inay damacsan tahay inay I disho, sidaa darteedna waxa laygu yidhi ha soo dhowaysan. Laakiin nimanka la odhan jiray MA’ISO dhamaantood may ahayn kuwo wax wanjalaya ama wax lug’goynaya, balse intooda badan oo ilaa 90% lagu tilmaami karo waxay ahaayeen niman ilaa iyo aakhirkii kacaanka la soo daalaadhacayey oo wax badan u soo taray. Sidoo kale niman ka mid ahaa aasaasayaashii ISABA ahaa oo waqtigan xaadirka ah ku silcaya xabsiyada Wayaanaha (Tigraay), markii horena ka mid ahaa MA"ISO oo badan baa jira, balse sida aad sheegayso raqdi Xayle Fiddaa in halkaa laga helo waa wax aad looga naxo.

Markii ay Somalidu na soo weerareen ayuu baxsaday Xayle Fiddaa, arintaasna shicibku aad bay uga xumaadeen, iyaga oo leh sidee buu nooga cararay iyadoo uu cadaw na soo weeraray, sidaa darteed ayey u gacan galeen oo meel walba miyi iyo magaaloba lagu laayey, markaa anigu inay arintu sidaa ahayd ayuun baan garanayaa, laakiin ma garanayo sababta iyo ujeedada loo geeyey guriga Asraat, waana markii ugu horaysay ee aan maqlo sheekadaa.

Ganat: Suxufigii caanka ahaa ee la odhan jiray Ba’alu Girma sidii uu maalin gurigiisa uga baxay lama arag oo waa la waayey, laakiin dhawr cisho ka dib ayaa la arkay gaadhigiisii oo wadada yaal, waxaana loo malaynayaa in sababta loo dilay ay tahay buugii uu qoray ee la odhan jiray "Oromaay" arintaa maxaad ka ogtahay ?.

Mingistu: Ba’alu Girma waxa uu ahaa nin aan kacaanka ka hor aqoon u lahaa. Tusaale ahaan markii aan Maraynka ka soo laabtay dhawr cisho ka hor intii aanan ku laaban Harar waxaan magaalada Adis-ababa kaga degay hudheel, waan xusuustaa hudheelkaasi waxa ku ooli jiray meel u dhaw biriijka Raas-makoonin agtiisa oo ay marto wadada la yidhaahdo Sabaa-daraja ee u leexata dhinaca dugsiga Naasareet, laakiin halkaasi iminka waa jago ay ku wareegsan tahay jiingad, hudheelkaa waxa lahayd naag la odhan jiray Asraat oo cuntada Itoobiyaanka aad u samayn taqaanay, isla markaana hudheelkaasi waxa uu lahaa toban ilaa shan iyo toban qol oo jiif ah. Waqtiga aan hudheelkaa ku degay ee aan Maraykanka ka imi waxa uu xili Gu’ ah, sidaa awgeed waxa isna Adis-ababa iigu yimi adeerkay oo ka yimi magaalo kale, balse fanaanadii la odhan jiray Bisaanash Baqale oo shaqo ka soo rawaxday ayaa hudheelkii ku soo leexatay si ay bun uga cabto ayey dhawr qof oo garanayey oo hudheelka joogay ku yidhaahdeen "Hees noo qaad adiga oo raali ah", sidaa darteedna markii ay ka dayn waayeen hees noo qaad ayay hees qaaday, dabadeedna si aanu u daawano intayadii huteelka joogtay waanu isu soo ururnay, ka dibna halkaas ayaanu isku baranay Ba’alu Girma iyo fanaanada heesaysay ee Bisuunash, laakiin Ba’alu Girma inuu iska raaxaysto ayuu iman jiray hudheelkaa wuxuuna gaar ahaan iman jiray habeen habeenka ay fanaanada Bisuunash heesaha ka qaadayso hudheelka, halkaas ayaanu isugu soo ururi jirnay si aanu heesaha u daawano, laakiin Ba’alu Girma maalintii markaanu qadaynayno ayaanu kulmi jirnay, iyadoo Ba’alu Girma uu markaa shahaadadiisa suxufinimada oo ahayd Mastarayt ka soo qaatay dalka Maraykanka, wuxuuna ayaamaha aanu isbaranay ii sheegay inuu ka shaqeeyo wasaaradda Warfaafinta.

La soco cadadka dambe 

Top


ARRIMAHA BULSHADA

Caraal M. Jaamac

Werwerka Iyo Waayaha Nolosha

Qormadii 3aad
Culimada cilmi-nafsiga, waxay caddeyeen nooga iyo daalka aynu dareenaa inay ka dhashaan walbahaarka oo ay keenaan waxaynu ka fekerayno iyo waxaynu doonayno oo aynu gaadhi wayno, ka dibna aynu ku mashquulino maankeena iyo maskaxdeena, waxa hubaala in daalku ka dhasha fekerka ee aanu ka dhalan hawl gacanta laga qabanayo, wayna yar tahay daalka ka yimaada xaga jidhka. 

Tusaale ahaan haddii ay tahay shaqadaadu mid aanad jeclayn way kugu adkaanaysaa inaad sii wadaa, waxayna taasu kugu abuuryasaa inaad ku fekerto sidii aad shaqo ka duwan u doonan lahayd, marka ay taas hamigeedu kugu bato, waxay kugu abuuraysaa daal fara badan, hese yeeshee dadka noocaas ah, waxay culimada cilmi nafsigu kula taliyeen inay marka ay ka hortimaado arrintan oo kale aanay isku mashquulin shaqada ay ku dhex jiraan ee aanay raalida ka ahayn, balse waxa ugu habboon inay u qabteen shaqada sidii ay ku faraxsan yihiin ilaa iyo inta ay beddelkeeda helayaan, hadii aad sidaas samayso waxa kaa degaya culayska faraha badan ee ku saaran xilliga aad shaqada ku jirto, waxayna taasi kaa badbaadinaysaa daalka iyo walbahaarka faraha badan ee aad ku jirto ee ka dhashay shaqada aanad xiisaha u heyn. 

Dadka shaqooyinkoodu yihiin fadhiga 90%, dadkaasi waxay dareemaan daal aan ka iman xagga jidhka ee ka yimi waxyaabaha ay dareemayaan oo ay ka mid yihiin cidhiidhi, caloolyow, dareen tixgelin la’aan iyo werwer kaga yimaado xaga shaqada, waxayna taasi abuurtaa deganaansho la’aan ku timaada naftooda oo samaysa baf iyo caadifad, haddii aad la kulanto dadka noocaas ah, waxay had iyo jeer ka cabanayaan daal iyo hurdo la’aan ka dhashay mushkiladaha ay dareemayaan, waxa suurta gala inay dadkaasi la kulmaan xanuuno aan jidhku iska difaaci karin, taasoo ay sabab u tahay wareegga dhiiga oo yaraada iyo qaadashada (ogsajiin) neefsashada oo yaraata, hase yeeshee dadkaasi marka ay helaan cid ay uga sheekeeyaan mushkiladahooda iyo dhibaatada haysata waxay dareemaan caafimaad iyo culays ka degay maskaxdooda, waayo waxa ka hadhay walbahaarkii iyo werwerkii, hase yeeshee marka ay waayaan mushkiladahooda cid ay u bandhigaan oo ay ku aaminaan naftooda, waxayna ku kiciyaan neerfasyaasha furfurista nafta ee cilmi nafsiga, ayaa lagu tilmaamay awooda wax bogsiisa ee ku qarsoon aadamaha, waxay rumeeyeen aqoonyahanada cilmi nafsigu in qofka bukaanka ahi ka bixi karo mushkiladaha haysta ee xagga ruuxdiga ah, haddii uu ka sheekeeyo culayska ay laabta inagaga haysay dhibaatadu, taasoo ay naftu inaga celinaysay. Si haddaba aynu taa uga badbaadno oo aanu walbahaar inoogu dhicin aynu raadino qof aynu ku kalsoonahay oo aynu uga sheekayno dhibaatada, laakiin maaha inaynu qof kasta uga sheekayno mushkiladaheena, taasi dawo maaha.

La soco caddadka dambe

Top