Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 280 March 3, 2003

Qaabkee Ugu Haboon In Lagu Soo Xulo Xubnaha Golaha Guurtida xulista guurtidu

Maxkamadda Sare Oo Ugu Baaqday Musharixiinta Madaxtinimada Inay Diiwaangeliyaan Hantidooda

"Khiyaamooyinkii Doorashadii Hore Dhacay Waanu Ogaanay, Haddana Waanu Haynaa Wixii Aanu Kaga Gaashaaman Lahayn"

"Ma Jiraan Ciidamo ka socda Majeertenya Oo ku Sugan Dhulka Somaliland, Balse..."

"Tallaabo Kasta Oo Wax Lagaga Beddelayo Madaxbannaanida Somaliland, Waxay U Baahanaysaa Afti Dadweyne Iyo Ogolaanshaha Aqlabiyadda Baarlamaanka"

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Dorashada Iyo Dimuqraadiyadu Maaha

Ninkii Isha Daba Aadmigaa Arka Ninkii Uurka dabaana Alle ayaa Arka?

Waxa Wacnayd Kordhinta Caafimaadka Balse waa Kordhinta Cudurka

Ururka Saxaafadda Somaliland Waa Tusaale ka mid ah Hor-marka Somaliland

Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga

Waadiga Ciyaaraha

Inzaghi oo Neefta Dib ugu soo celiyey Milan

Liverpool Oo Ku Guulaysatay Koobka Worthington


Qaabkee Ugu Haboon In Lagu Soo Xulo Xubnaha Golaha Guurtida xulista guurtidu

Faallo- Caraale M.Jaamac

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa dhowaan golaha wakiilada u soo gudbisay xeer la doonayo in lagu soo xulo xubnaha golaha Guurtida, ka dib markii uu dhamaado xiliga golaha Guurtida ee hadda kuraasta ku fadhiya. Xeerkaas oo ka kooban 9 qoddob waxa leeyahay waxa xubnaha golaha Guurtida soo xulayo guddi ka kooban 7 xubnood oo noqonaya guddi heer qaran, kuwaas oo sida ku xusan qoddobka 2aad ee xeerkan uu madaxweynuhu magacaabayo.

Waxa kale oo uu xeerkani sheegayaa inay xubnahaa uu madaxweynuhu magacaabayaa ay leeyihiin awoodda xulista xubnaha golaha Guurtida. 

Laakiin inkasta oo aanay golaha wakiiladu weli guda-gelin ka doodista iyo meel-marinta xeerkan, hadana waxa uu xeerkaasi bilowgiiba abuuray fallanqayn dareen leh oo dadka dhexdiisa ah, iyadoo ay doodaha ugu badani ka dhasheen qoddobka 2aad ee xeerkan oo sheegaya in guddiga Qaranka ee soo xulaya xubnaha golaha Guurtida waxa soo magacaabaya Madaxweynaha. Hase yeeshee dadka arintaa fallanqeeyey waxa leeyihiin "Guddiga ay xukuumaddu soo xulayso ee hadana soo xulaysa xubnaha golaha Guurtida waa wax aan waafaqsanayn nidaamka dimoqraadiyadda," iyadoo ay dadka arintan ka faallooday ku doodayaan in hadii sidaa la yeelayo uu xeerkani golaha Guurtida kala maqaam dhigayo golaha wasiirada ee uu madaxweynuhu soo magacaabo, sidaa darteedna ay nasiib daro noqonayso hadii uu golaha guurtidu noqdo mid ay xukuumaddu soo xusho, iyadoo ay waqtigan xaadirka ah saddexda gole ee Somaliland yihiin saddex gole oo leh awoodo kala madax banaan, isla markaana waxa kale oo aragtida caynkaas ah hoosta laga sii raacinayaa inuu Madaxweyne Rayaale waqtigan xaadirka ah yahay gudoomiyaha mid ka mid ah xisbiyada dalka ka jira oo ah UDUB, taasna waxay arintan ka doodayaa leeyihiin waxay hadii sidaa la yeelo talaabadaasi golaha Guurtida oo hadda ka mid ah golayaasha Qaranka ka dhigaysaa gole uu soo xushay mid ka mid ah xisbiyada wadanka ka jiraa. 

Hase yeeshee hadii aanay xubnaha golaha guurtidu ku imanayn nidaam doorasho ah oo aanay ka soo kala baxayn xisbiyada jira waxa haboonaan lahayd in laba qaab mid uun lagu soo doorto xubnaha golaha Guurtida, labadaas qaabna waxa uu ka hore yahay in laga soo doorto gobolo oo ay ku soo baxaan qaab gobolo ah oo ay noqdaan niman gobolo ku yimi meesha oo ay dadku soo doorteen iyo qaabka labaad oo ah in lagu soo hab beeleed, iyadoo uu qaabka doorashadu yahay mid madax banaan oo aanay xukuumadda iyo cid kale toona fara gelin, balse ay hogaamiyayaasha dhaqanka iyo taloqabeenka beeshu ay soo xulaan. Laakiin si kastab arintu ha noqotee waxay dadka xeerkan fallanqaynayaa leeyihiin macquul uma muuqdo, sidaa darteedna waa in hoos loo dhugto.

Top


Maxkamadda Sare Oo Ugu Baaqday Musharixiinta Madaxtinimada Inay Diiwaangeliyaan Hantidooda

Hargeysa (Haatuf) Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa ugu baaqday musharaxiinta xisbiyada ee u tartamaya madaxtinimada inay diiwangaliyaan hantidooda sidaasoo uu dhigayo dastuurka dalku.

Waxaana sidaa lagu sheegay qoraal uu soo saaray gudoomiyaha maxkamadda sare isaga oo arrinta u cuskaday qodobka 82aad farqada 9aad ee dastuurka Somaliland kaasoo dhigaya in musharaxiinta jagooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenku ay diiwaangaliyaan hantidooda ayna ka diiwaangaliyaan maxkamadda sare.

Sidaa waxa uu gudoomiyaha maxkamadda sare ka dalbaday musharaxiinta labada jago ee xisbiyada UDUB, UCID iyo KULMIYE inay sida ugu dhakhsaha badan hantidooda uga diiwaag galiyaan maxkamadda sare dhamaan wixii hanti ah ee ay haystaan balse gudoomiyuhu wax muddo ah umuu qaban arrintan.

Top


"Khiyaamooyinkii Doorashadii Hore Dhacay Waanu Ogaanay, Haddana Waanu Haynaa Wixii Aanu Kaga Gaashaaman Lahayn"

"Musharaxiintii Saddexda Xisbiba Waanu Haynaa, Waxaanu Hubinaynaa Shuruudaha" Waraysi 
C/laahi Jawaan

Hargeysa (Haatuf): Guddiga doorashooyinka heer qaran ee Somaliland ayaa hadda ku guda-jira dhaqdhaqaaqyo iyo hawl-galo la xidhiidha diyaarinta doorashada madaxtooyada oo ay hadda inaga xigto bil iyo dhawr maalmood, taas oo loo qorsheeyey inay dhacdo 15-ka bisha Abril ee foodda inagu soo haysa, waxaana ka mid ah dhaqdhaqaaqyada ay guddiga doorashooyinku hadda ku dhex-jiraan socdaalo ay ku marayaan gobolada iyo degmooyinka dalka, taas oo la xidhiidha diyaarinta hawsha doorashada. Laakiin inkasta oo uu waqtiga hadhay yar yahay, hadana ma muuqdaan dhaqdhaqaaqyo iyo ololayaal shaac-baxsan oo ay hadda wadaan xisbiyadu. Hase yeeshee halka ay guddiga doorashadu wax marinayaan iyo waxa uu ku talo-galkoodu yahay waxaanu waraysi kala yeelanay gudoomiye-kuxigeenka guddiga doorashooyinka heer qaran, C/laahi Cabdi Cumar (C/laahi-jawaan), waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Warbixin naga sii halka ay marayaan hawlihii diyaar-garowga doorashada madaxtooyada?

J: Hadii aanu nahay guddiga doorashada waxaanu isu qaybinay gobolada dalka, saddexda gobol ee bariga (Sool, Sanaag iyo togdheer) waxa u baxay wefti uu hogaaminayo gudoomiyaha guddiga doorashooyinka, gobolada galbeedkana waxa tegay wefti aan anigu hogaaminayo, laakiin anagu waxaanu soo gebagebaynay hawlihii aanu u tagnay Awdal iyo Saaxil, Hargeysana berito (Maanta) ayaanu hawsheeda gelaynaa, hawsha aanu wadnaana waxa weeye diyaarinta hawsha doorashada, taas oo ah inaanu qiimayn ku samayno hawl-wadeenadii iyo guddiyadii doorashada, doorashada dambena laga dhaadhiciyo sida ay hawshu u soconayso, taas oo la iswaydiinayo maxaa inoo qabsoomay, maxaase inaga qabyo, qalad ma dhacay, hadii uu dhacayna in qalad dambe laga gaashaanto oo aanu qalad dambe iman, bakhaarkan aynu dhex-fadhinona waxa noo yaal agabkii doorashada oo dib u habayn lagu samaynayo, bakhaarkana waxa noo dhisay Madaxweynaha. 

S: Doorashadii hore ee golaha degaanka qaladaad iyo cabashooyin baa ka soo baxay, markaa ma jirtaa wax waayo-aragnimo ah oo aad doorashadaa ka korodhsateen oo aad doonaysaan inaad ta dambe wax ka bedeshaan?

J: Runtii doorashadii dawladaha hoose way inagu cusbayd, sidaa darteed waayo-aragnimo badan baanu ka helay, wixii qaladaad ah ee iman karana waanu ka taxadernay oo tusaale ahaan goobaha doorashada waxaanu geynaynaa dad aan degaanka doorashadu ka dhacayso, halka aanu doorashadii hore goob walba geynay afar degaanka u dhashay, isla markaana la xusho dad xilkas ah oo waayo-arag ah, waayo dadkii hore may xumayn, laakiin waayo-aragnimo la’aan badan jirtay.

S: Xisbiyadu dhamaantood maydiin keeneen liisaskii musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-kuxigeenka?

J: Haa way keeneen saddexda xisbiba oo waanu haynaa lixdii musharax-ba, laakiin shuruudihii laga doonayey inay buuxinayaan ayaanu hubinaynaa.

S: Miyaa haysaan agabkii doorashada dhammaan?

J: Waa la soo diyaariyey waraaqihii cod-bixinta sambalkoodii (Tusaale), markaa waanu isla wada eegaynaa, laakiin maalintii ay diyaaraddu keeni lahayd waa diyaar.

S: Khadkii hore ee doorashadii dawladaha hoose wuu masaxmayey, taa wax ma ka bedesheen?

J: Horta khadkii hore khad aad u wanaagsan ayuu ahaa hadii sida loogu talo galay loo isticmaalo, laakiin khiyaamo iyo tuugo ayaa dhacday, taana looguma talo gelin, maantase shirkad Ingiriis ah ayaanu khadka ka dalbanay, waana shirkadaha adduunka kuwa ugu caansan, isla markaana waanu ogaanay sidii ay khiyaamadii tii hore u dhacday, markaa waxa jira farsamooyin loogu talo galay inaanu kaga hortagno, balse hadda ma sii sheegayno.

S: Miyaa haysaan dhaqaalihii aad hawsha doorashada ku qaban lahaydeen, caawima debedeedse ma hesheen?

J: Lacagta intii uu ku talo-galku ahaa qayb waa nala sii siiyey oo waanagaa hawsha ku wadna, inta kalena Madaxweynaha oo aanu toddobaadkii dhowayd aragnay waxa uu nagu yidhi waan idiin soo shubayaa, markaa ma qabno werwer dhinaca dhaqaalaha ah, laakiin inkasta caawimo meelo waydiinay, hadana ma ogin meel aanu leenahay halkaas ayey wax nooga imanayaan.

S: Waxa jira warar sheegayaa dhaqaalihii miisaaniyaddii hore loogu talo galay idinma soo wada gaadhin, taasi ma jirtaa?

J: Anagu intii aanu qorshaysanay waanu helay, ma garanayo wixii aanu qorshaysanay wax naga baaqsaday.

S: Waxa jira degmooyin aanay doorkii hore doorashadu ka dhicin, kuwaas oo la sheegay ilaa 7 degmo, kuwaa maxaa ugu talo gasheen doorkan, goobaha doorashaduse intii hore ma ka badanayaan?

J: Goobaha doorashadu markii hore waxay ahaayeen 800 oo goobood, laakiin duruufo jira awgeed waxaanu ku kordhinay 100 goobood, boqolkaa gooboodna sidii ay u kala darnaayeen ayaa loogu qayb-qaybiyey. Ta kale toddoba degmo doorashadu kama dhicin ee waxaanay ka dhicin laba degmo oo kala ah, Laascaanood iyo Taleex, saddex degmona waxay ahaayeen anifoos, kuwaas oo kala ah: Dhahar, Xudun iyo Badhan, waayo degmooyinka mid walba hal xisbi ayaa liisaskii ka dhiibtay oo tartan ma jirin, golayaashii degaankana liisaskaa la dhiibay ayaa noqday, laakiin Laas-qoray doorasho kama dhicin, waayo cidiba liis kama dhiiban, Buuhoodlena badh ayey ka dhacday, badhna kama dhicin, markaa laba degmo oo qudha ayaanay doorashadu si toos ah uga dhicin, laakiin iminka dalka oo dhan waanu ugu talo galay inay doorashadu ka dhacdo.

S: Natiijadii doorashadii hore arimaha doodda ugu badani ka taagnayd waxa ka mid ahaa meelaha aanu tartanku ka dhicin, ka dibna xisbigii liiska ka dhiibtay lagu yidhi kuraas ayuun baa leedihiin, wax codad ahse ma lihidin, iyadoo ururadana codad lagu kala reebayey, taas oo kale wax ma qabateen si aan mar dambe muran u dhicin?

J: Taasi waxay ku ekayd waqtigii qiimaynta ururada, laakiin iminka dadka tartanka lagu kala saarayaa waa shakhsiyaad, doorashadana gobol-gobol baa loo gelayaa ee degmo-degmo ma aha, markaa gobolkasta lix qof ayuun baa la kala saarayaa, markaa doorashadani way ka duwan tahay tii hore.

S: Xisbiyada tartanka ka qayb gelaya iyo idinku wax ma isla meel-dhigteen si aan hadhow wax la isula seegin?

J: Xisbiyada waxyaalaha qaarkood waanu kala tashanaa, waayo tusaale ahaan iminka markii aanu samaynaynay dib u eegista goobaha doorashada, waxaanu cid walba ku amaray inay saddexda xisbi gudoomiyeyaashooda goboladu ay la joogaan guddiga doorashada, isla markaana ay guddiga doorashada goob kasta la saxeexaan iyo maayarka oo ay hawshu saddex gees noqoto si aan hadhaw muran u iman.

S: Ma rumaysan tihiin inay doorashadu dhacayso waqtiga loo cayimay?

J: Horta ilaahay bay ku xidhan tahay, laakiin anagu guddi ahaan waanu rumaysanahay inay dhacayso waqtigeedii?

S: Waxa jirtay inuu dhaawac soo gaadhay qalab ay doorashadu lahayd oo yaalay guryo ay wasaaradda caafimaadku leedahay, arintaasi xagee bay ku dambaysay, maxaase laga qabtay?

J: Arintaa koley waxa jirtay guddi baadhaysay, laakiin guddigaasi ilaa hadda wax ay ka soo saareen war uma hayno, mana jirto wax jawaab ah oo ay run ahaantii naga siiyeen.

S: Laakiin alaabtii way idinka maqan tahay weli sow ma aha?

J: Haa way jirtay alaab qoyday iyo alaab luntay oo naga maqani. (Dhamaad)

Top


"Ma Jiraan Ciidamo ka socda Majeertenya Oo ku Sugan Dhulka Somaliland, Balse..."

Hargeysa (Haatuf) Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa beeniyay in ciidamo ka socda maamulka C/laahi Yuusuf ay ku suganyihiin gobolka ka tirsan bariga Somaliland mar uu shalay u waramayay wariyayaal ka tirsan saxaafadda waraysigaas oo uu kaga waramay arrimo kale oo ay ka mid tahay miisaaniyada dawladda ee sanadkan 2003, iyo arrimo kale waraysigaasina waxa uu dhacay sidan:

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd in ay jiraan ciidamo ka tirsan ciidamada ka soo horjeeda maamulka C/laahi Yuusuf waxa uu yidhi "Ma jiraan ciidamo ka tirsan maamulka Majeerteeniya oo ku sugan dhulka Somaliland, balse waxaa jira ashkhaas deegaanka ka tirsan oo dadka khal khal galinaya iyaga oo ku leh ciidamo ayaanu idin qoraynaa, balse ma jiraan wax ciidamo ah oo ku sugan deegaanada Somaliland oo ka socda Majeerteeniya".

Wasiirka oo la waydiiyay in wasaaradda arrimaha guduhu ay wax qorshe ah arrintaa u diyaarisay waxa uu ku jawaabay "Wuu jiraa qorshe ay wasaaradda arrimaha guduhu, dhawaan ayaana la qaadi doonaa talaabada ku haboon, aniguna waanigii dhawaan socdaalka dheer ku soo maray Bari diyaar garawna waanu ugu jirnaa."

Isaga oo intaa ku daray in talaabooyinka la qaadayaa aanay noqon doonin qaar waxa u dhima xasiloonida, dhibaatana gaadhsiiya beelaha dhulka degan isaga oo dadka deegaankaa Sanaag bari ku tilmaamay dad reer Somaliland ah.

Waxaanu beeniyay in bandoo la saaray, Sanaag bari balse waxa uu tilmaamay in bandoodu ay ku egtahay Laas-caanood.

Wasiirka oo la waydiiyay sida ay haatan tahay xaaladda Laas-caanood dagaaladii ka dhacay ka dib waxa uu yidhi "Xaaladeedu haatan way degantahay dagaalkuna wuxuu dhexmaray laba beelood, iyadoo ay dagaalka kaga kala dhinteen min laba qof, xaaladana gacanta lagu hayaa sidii nabad looga dhex ridi lahaa, dadaalkeedana wuu socdaa" ayuu yidhi wasiirku isaga oo ka hadlayay arrintaa wuxuu intaa ku daray in ay dawlada intii tamarteeda ah gacan ka gaysanayso wax ka qabashada arrintaa, balse waxaa uu cadeeyay haddii ay dhacdo in ciidamo majeerteeniya ka socda ay ka soo talaabaan xuduuda Somaliland in aanay xukuumaddu faraha ka laabayn ee ay difaaci doonto qaranimada Somaliland.

Dhinaca kalena wasiirka oo wax laga waydiiyay miisaaniyada wasaaradda ee dhinaca wasaaradiisa waxa uu sheegay inaanu isagu ogayn xiligii la gudbiyay miisaaniyada isla markaana ay gudbisay cidii isaga ka horeysay waxaanu intaa ku daray inaanay filayn in arrintaasi wax dhibaato ah keenayn.

Wasiirku wuxuu sheegay in miisaaniyadu ku yaraato uu wasaaradda maaliyada ka codsan doono in loo kordhiyo miisaaniyada waxaanu intaa ku daray in aanay miisaaniyadu ku filnayn.
Isaga oo sheegay xusay in haddii ay ku filnaan waydo ay jiraan meelo kale oo sadbursiimo miisaaniyada ah uu ka codsan doonaan, meelahaas, inkasta oo aanu carabaaabin meelahaas. Islamarkaasna aanu sharaxin sida ay sharci u noqonayso.

Miisaaniyada sanadkan 2003 ayaa shalay la horgeeyay golaha wakiilada iyada oo miisaaniyadaas ay ka soo baxeen mad madaw badan iyo wax isdhaaf dhaafin badan la sheegay inay ku jirto miisaaniyada la horgeeyay golaha wakiiladda.

Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlaya kharashka wasaaraddiisa loo qoondeeyay oo aad u yar marka la eego hawsha ay qabtaan, isla markaana aan fursad u helin inuu kaga doodo arrintaas, sababtuna tahay isaga oo aan isagu gudbin miisaaniyada la ansixiyay uu ku maqnaa dhinaca gobolada bari taasina ay sababtay in sidaa lagu ansixiyo.

Waxa kale oo jiray warar sheegayaya in miisaaniyada sanadkan laga yareeyay kharashka wasaaradda arrimaha gudaha kii sanadkii hore loo qoondeeyay wasiirku isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi "Intii ay sanadkii hore wasaaraddu lahayd waxba kama yara, balse kharashkii sanadkii hore laftiisa ayaa wasaarad ahaan ku yarayd marka laga eego hawlaha wasaaradda." Isaga oo intaa ku daray inuu isgu ka doodi doono in loo kordhiyo kharashkooda wasaarad ahaan.

Top


"Tallaabo Kasta Oo Wax Lagaga Beddelayo Madaxbannaanida Somaliland, Waxay U Baahanaysaa Afti Dadweyne Iyo Ogolaanshaha Aqlabiyadda Baarlamaanka"

Warsaxaafadeed - Wasiirka Warfaafinta 

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in dedaalka ay dawladaha ururka IGAD ugu jiraan sidii loo dhaqaajin lahaa hawlaha shirka ku saabsan geedi socodka nabaddeynta Soomaaliya uu yahay mid dhiiri-gelinaya Xukuumadda Somaliland, wuxuuna Wasiirku sidaa ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray shalay.

Wasiirku, isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi, "Xukuumadda Somaliland waxay soo dhawaynaysaa taageerada uu dedaalkaasi ka helay ururka midowga Afrika, Jimciyadda Qaramada Midoobay iyo dalal kale oo dunida ah."

War-saxaafadeedkan, wuxuu Wasiirku kaga jawaabayay Wareysi uu Wargeyska la yidhaah East African Standrad oo ka soo baxa Nairobi, la yeeshay Ninka Dawladda Kenya u qaabilsan Shirka Kooxaha Soomaaliya, Ambassador Mr. Bethwel Kiplagat, wareysigaas oo uu wargeyskaasi daabacay cadadkiisii soo baxay 17 February 2003, waxa uu Kiplagat ku yidhi; "Golayaasha Wasiirada ee dawladaha IGAD ee ku xeeran Soomaaliya, may ictiraafin Somaliland, sidaa darteed waxaad odhan kartaan waxay aaminsan yihiin Midnimada dhulka Dawladda Soomaaliya, taas oo loo fahmi karo in ay Somaliland ka mid tahay Soomaaliya." 

Daljire Kiplagat oo u dhashay dalka Kiiniya, waxa kale oo uu wareysigaa ku sheegay in wufuudda ka qaybgalay shirka kooxaha Soomaaliya ay codsadeen in Somaliland shirka lagu casuumo, si ay uga soo qaybgasho, laakiin Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isagoo hadalkaa daba-socda wuxuu yidhi; "Ergaga khaaska ahi wuxuu u muuqdaa mid khalad ka fahmay mowqifka xukuumadda Somaliland oo marar hore oo farabadan mowqifkeeda u gudbisay dawladaha IGAD, siiba kuwa ku xeeran Soomaaliya."

Wasiirku, isagoo ka hadlaya Mowqifka Somaliland ee arrintan ku waajahan, wuxuu sheegay in dalka Somaliland aanu qayb ka ahayn hirdanka ka dhex socda Soomaaliya, isla markaana aanay jirin ciidamo Somaliland leedahay oo ka hawlgala dhulka Soomaaliya gudihiisa, laakiin ay xukuumadda Somaliland iska ilaalisay in ay wax faro-gelin ah ku samayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo xataa marar badan la soo daan-daansaday."

Wasiirka Warfaafintu, waxa kale oo uu sheegay in dawladda Somaliland ay diyaar u tahay in ay kala qaybgasho xukuumadaha ka jira mandaqadda sidii dalka Soomaaliya nabad dib loogu soo dabaali lahaa, wuxuuse intaa ku daray oo uu yidhi, "Hase yeeshee Somaliland kama qaybgeli doonto geedi-socodka nabadda ee ururka IGAD wado, isla markaana dhegeystayaal u diri mayso, ilaa ururka IGAD ogolaado inuu Somaliland ula macaamilo sidii dawlad jirta oo madaxbannaan."

Wasiirku waxa kale oo uu yidhi, "Ta kale marka Soomaaliya laga dhiso dawlad sharci ah oo dadkeeda metesha ay Xukuumadda Somaliland diyaar u noqon doonto wada-hadal dhexmara Xukuumaddaa, wada-hadalkaasina wuxuu noqon doonnaa xidhiidhka ka dhexayn doonna labada dawladood, iyadoo Xukuumadda Somaliland rabitaankeedu yahay, nabad ku wada-noolaansho iyo xidhiidh walaaltinimo ku dhisan oo ay la yeelato xukuumadda mustaqbalka ee Soomaaliya."

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka xun tahay in ay xukuumadaha dalalka qaarkood iyagoo adeegsanaya geedi-socodka nabad raadinta Soomaaliya ay isku dayayaan in ay ku mijaxaabiyaan degenaanshaha, madaxbannaanida iyo midnimada dhulka Somaliland, laakiin wasiirku ma magacaabin dawladahaasi kuwa ay yihiin, wuxuuse xukuumadaha aanu magacaabin ugu baaqay in ay dedaalkooda u duwaan sidii Soomaaliya dib loogaga dhisi lahaa nabad iyo xukuumad hanata talada Soomaaliya, laakiin isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in haddii xukuumad laga dhiso Soomaaliya ay xukuumaddaasi sheegato in ay Somaliland hoos timaado ay xukuumadda Somaliland arrintaa u arki doonto ujeedo cadaawadeed, sidaas darteedna wuxuu sheegay wasiirku in xukuumadda Somaliland ay ugu baaqayso Madaxda Soomaalida, dawladaha xubnaha ka ah IGAD, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo dalalka deeqaha bixiya in ay iska ilaaliyaan qawl iyo ficil kasta oo xummaani ku jirto, isla markaana colaad hor leh ka abuuri kara mandaqadda.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu intaa ku daray in aanay xukuumadda Somaliland, awood u haysan in ay wax ka beddesho mowqifka madaxbannaanida Somaliland, laakiin isagoo tilmaamaya sida ay taasi ku iman karto, wuxuu yidhi, "Tallaabo kasta oo wax lagaga beddelayo Madaxbannaanida Somaliland waxay u baahanaysaa in loo qaado afti dadweyne iyo ogolaanshaha aqlabiyad buuxda oo Baarlamaanka ah."

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

"Aniga Oo Ah Nin U Dhashay Kililka 5aad Ee Itoobiya, Waxaan Eed Ka Tirsanayaa Dawladda Somaliland"

Aniga oo magacayga la yidhaahdo Xasan Sayid Cabdisamad, una dhashay deegaanka Soomaalida (Kilinka 5aad) ee dalka Itoobiya, waxaan madaxda dawladda iyo dadweynaha Somaliland la socodsiinayaa dulmi iyo tacadi la igu sameeyay, iyadoo magaalada Hargeysa laygu xidhay muddo shan bilood ku dhawaad ah, kadib markii uu shirqool ii dhigay nin la yidhaahdo C/raxmaan Maxamed Bariis oo ku magac dheer C/raxmaan Alla-magan, kaas oo nin aanu walaalo nahay jago ku taal buurta kala-jeexan ka iibiyay markay taariikhdu ahayd June 1984-kii.

Heshiiska ku saabsan iibka jagadani, waxa uu ahaa mid aan qarsoonayn, wuxuu ahaa mid marag iyo markhaatiyaalba leh oo qaar ka mid ah dadkii goob-jooga ka ahaa ay magaaladan Hargeysa hadda ku sugan yihiin. Hase yeeshee, ninkii xiligaas jagada naga iibiyay ayaa haddana xilligan igu qabsaday, iyada oo uu ila kaashaday rag ka tirsan Dawladda Somaliland, kadibna waxa la i xidhay taariikhdu markay ahayd 21/10/2002, iyadoo muddo 15 cisho ah kolba laygu warwareejinayay saldhigyada booliiska, kuwaas oo mid ka mid ahi diiday in aan u xidhnaado, maadaama aanu xadhigaygu sharciga waafaqsanayn. Markii dambe waxa lay hor keenay Maxkamadda, iyada oo laygu eedeeyay in dhul uu leeyahay C/raxmaan Alla-magan ka iibiyay nin reer Hargeysa ah, sidaasna aan nabadgelyada wax ugu dhimay. Waxa kale oo la ii sheegay in haddii la i sii daayo laga cabsi qabo in aan baxsado.

Run ahaantii, waxaan sannadkii 2000-kii, jagadii 1984-kii ka iibsanay C/raxmaan Alla-magan, 1984-kii ka iibiyay nin la yidhaahdo Cali Ismaaciil Gabas, waxaanan Hargeysa u imid si aan u cadeeyo cidda jagadaasi sharciyan leh, kadib markii C/raxmaan Alla-magan jagadii uu dib usheegtay oo uu kaga murmay Cali Ismaaciil Gabas, waxaanan imid Hargeysa aniga oo sita waraaqo ka soo baxay Maxkamad oo cadeenaya in aan wakiil ka ahayd walaalkay.

Haddaba, muddadii la i maraanmarayay waxa aan si buuxda u dareemayay in Madax sare oo Dawladda ka tirsani ay iyagu ahaayeen kuwa igu muduciga ah ee la shaqaynaya C/raxmaan Alla-magan, taas oo keentay in lay duudsiyo wixii aan xaqa u lahaa dhinac Islaamnimo iyo bila-aadamnimaba.

Run ahaantiina, dhacdadani ma aha markii u horeysay ee C/raxmaan Alla-magan dib ugu murmo hanti uu dad ka iibiyay, balse waxa jira kiisas kale oo caynkan ah oo dhexmaray isaga iyo dad kale muddooyin aan fogeyn, oo markii dambe lagu kala baxay kadib markii ay cadaatay in C/raxmaan Alla-magan hantidaasi iibiyay.

Haddaba, iyada oo Maxkamaddu jeelka iga soo daysay 21 February 2003, waxaan Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland oo ay hormood ka yihiin Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, ka codsanayaa in la’i xaq mariyo, waxaanan magan uga ahay in la igu isticmaalo ama la ii sheegto awooda Dawladda. Anigu ma rabo wax xaaraan ah, mana doonayo in aan bani-aadam kale ribeeyo, waxa keli ah ee aan doonayaa in si cadaaladdi ku jirto loo qaado dacwadda na dhextaalla aniga iyo C/raxmaan Alla-magan.

Xasan Sayid Cabdisamad

Top


Dorashada Iyo Dimuqraadiyadu Maaha

Waxan rabaa in aan wax yar ka hadlo xaaladii hore, iyo xaaladan cusub ee la galayo, iyo wixii lasugaayay, iyo waxay u eegtahay. Dadka reer s\land halgan iyo samir dheer ayay soo mareen iyo marxalado cidhiidhiya oo kala duduwan.Taasi oo ay u halgamayeen doorasho xaq ah iyo dimuqraadiyd,taana iyaga oon gaadhin oo meel fiican umaraysa ayuu halyaygii hogaanka u hayay wakhtigii ku yimid. Maqaalo hore oo aan wax badan kaga hadlay, mar aan isidhi arintii dhoobdhhoobka ahayd dhulkii ku dhacday, oo aan xusuusiyay dadwaynaha wixii soo maray, iyo cadaalada in ay u samraan, ayaa ahayd wakhtiyadan la galay. 

M\waynihii geeriyooday arimo badan oo fiican iyo kuwa kalaba wuu lahaa, oo markaa siyaasadeeda la haa ayuu watay, laakiin uu sheegay inaynay dadwaynaha u wanaag sanarn, oo ay ka midahayd, tii u ku yidhi maamulkiisa iyo wasaradihiisa ee ahayd "XUL MAAHEE WAA XAL" taa waxa loo arkaayay wakhtigaa inay macquultahay oo ay meesha ku jirto sababo badan awgood. M/waynaha iyo cid ay talada ka godo,waxa haboon inla laabo anba lajoogiyo armihii hore ee XALKA ahaa ee wakhtigaa joogay, M/waynaha maanta talada hayaa ku ma iman xal, ee distoor ayuu ku yimid. Imikana waxa haboon anba hagaagsan inuu ku soo baxo doorasho xaq ah. 

Arinta khuukhiska ah ee la wada fahmayo halaga daayo dadka. Ee dadkii xal ahaan boosaska loo dhigay ay rabaan in ay wili ku sii joogaan, galintii koowaad iyo fayskii hore way xidh meen, xasiloonidii iyo nabad galyadii ka hano qaaday dalkii.Ee waxa haboon inloo galo wajigii labaad iyo dimuqraadiyadii dalka haddaan soo qaato xisbiyadii soo samaysmay iyo doorashoonkii dowlada hoose,xisbiyadii samaysmay anba ilaa imika la ogyahay inay jiraan qaarkood, waxa hogaaminaayay siyaasiyiin aad looyaqaano, qaarna rag cusub, oo sifiican u soo caan baxay,markaa haddii aan eegno, Siilanyo iyo Carte labada mudane ba dalka way u soo halgameen taariikh dheer oo lama ilaa waana ayay ku leeyihiin dalka iyo dadkaba, wixii ay curiyeena waataa gaadhay in la isu diyaariyo doorasho xaqah.Markaa haddii si yar oo sibiq ah loo khaarajiyo, wax loo arkikaraa udub iyo maamulka jiraa in ay yihiin jabhad dhexda ka qabsatay,oo ka fog wixii loo halgamayay iyo dimuqraadiyadii.

Odayaashii lixdan jirka ku xaytay ee dhaliyay xornimadaa iyo nabad galyadaa maanta la hadhsanaayo,ayaan laga dhigin waxoodii hal bacaad lagu lisay, taasoo ahayd in aan afrika in teeda dadan tusno iyo aduunkaba, takale ee jirtaa waxa weeyi adunkii siyaasadihiisii way is badashay muslin iyo gaalo in loo safto ayuu rabaa Maraykanku, wixii dowldaha qarbigu madaxa inoogu salaaxayeen mudada dheer inaka oo ka soo jeedna dad islaamaah, dadkuna may fahansanayn,oo kuwii jirayna la diidanyahay, inkasta oo ay dowlado yurub ihi ka soo hor jeedaan arimahaa oo laga yaabo in ay fashiliyaan .

M/waynaheenii hore arinta kaliya ee ku adkaatay waxay ahayd citiraaf. Taana waxaan wada ognahay siyaasiga caankah ee Cumar carte qaalib in u ka fiicnaa xaga dibada anba xaga carabta. Iyada oo isfahanka iyo isaqoontuna aynay meesha ka madhinayn, danta dadkeena xoola dhaqatada ihina ay ku jirto carabta, mudooyinkan danbe ee wax is babadalayeen ayaa lagaadhay dhaqaale ku cidliidhi, markaa waa loo baahan yahay cid furdaamisa, maadaama aan nahay dad yar oo sabool ah oo wax badani ka dhimayihiin, anigu uma xaglinayo xaga mucaaridka ee waxaan u xaglinayaa xaga dimuqraadiyada iyo xaga ay doorbidaan dadwaynuha S/land ee ay u arkaan in ay dantoodu ku jirto.

Fikradayduna maaha Riyaale ayaan la dooran, ana ma diidani fikrado ka soo yeedha qaarkood, ee waxaan leeyahay Riyaale mudo dheer ayuu ahaa madaxwayne ku xigeen, imikana sanad ayuu ahaa m/wayne, taliskii siyaad bare ee kalifay in dhiig daato oo dumis dalka ihi yimaadana, Riyaale wax u ka hayay shaqooyinkii sida aad ka ha farta loogu fiiqaayay, markaa la miisaamo haddii uu u qalmo in dib loo doorto, waa (Well & good) iyaga oo si cadaalada ay u tartamayaan , anba loo tartansiinayo, madaxada kale, aad bay u fiicantahay in uu ku soo boxo sidaa, haddii kale oo sida ay u waddaan dadka maanta taliska ka haya dowlada ee la baxay UDUB ay ku soo saaraan cadaalad daro, taasi waxay halis kale u tahay dib u dhac danbe oo inagu yimaad, iyo arimihii Afrika looga bartay.

Inkasta oo dalka maanta baahi wayni taalo hadana waxa aad qiyaasi kartaa dadkii in ay sifiican u fakarayaan oo ayna niyad ka ahayd wixii ay u soo halgameen, marka aad eegto sidii fiicnayd ee ay doorashadii dowlada hoose u guteen nidaam ahaan iyo nabad galyaba, tiiyoo hadana sida la wada og yahay ay ku la dhex jireen maamul ahan cida waday iyo maamul ahaan maamulka jiraa, wixii la diidaana ee aan ka dagalanay anba dalka loo dumiyayba, dadka in tiisa badani mayfootayn oo waxay u arkayeen in aanay kolay doorashadu si xaq ah u dhacayn, oo kolay lagu shuban doono, anba cidii la rabo uun la soo saari doono. Taa soo sidii aan hore u sheegay ah shaqadii Afrika. Maanta may ahayn in madmadow lagaliyo cadaaladii caynkay ku timid la ogaa. 

daacada_alle@hotmail.com
Chief Caaqil Cali Xassan Xoorreh

Top


Ninkii Isha Daba Aadmigaa Arka Ninkii Uurka dabaana Alle ayaa Arka?

Soomaalid waxay ku maahmaahdaa xantaada xiinkeedaa kuu baxda taasi macnaheedu wuxuu yahay qof waliba wuu garan karaa waxa lagu xamanayo wuxuu yahay xumo iyo samo midkay doonto ha noqotee, haddaynu soo qaadano tan iyo markii uu madaarka caasimada ka soo degay madaxweynihii hore ee Somaliland C/Raxmaan Axmed Cali oo dalka dib ugu soo laabtay 10-kii February 2003, ka dib markuu ka soo kicitimay carriga Ingiriiska oo uu muddo ku sugnaa, ayaa waxaa jirta su’aalo layska waydiiyay ujeedada imaatinka C/Raxmaan Axmed Cali ilaa haddana si cad looma oga nooca siyaasadeed ee uu la soo guryo noqday marka laga reebo warbixintii koobnayd ee uu siiyay saxaafadda oo uu ku sheegay C/Raxmaan inuu la soo guryo noqday sidii uu dalkiisa iyo dadkiisa ugu shaqayn lahaa inta cimrigiisa ka hadhayna uu ku nagaan doono dalkiisa, ayaa haddana waxaa muuqatay inaan siyaasigu warbixin faahfaahsan ka bixin arrimihii loo baahnaa inuu si dhaba u abaaro, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen inuu ka tanaasulay mawqifkii madaxbanaanida Somaliland uu kaga noqday markii uu xilka wareejiyay sanadkii 1993-kii nasiib darrose taasi muu cadayn siyaasigu inuu ka noqday mawqifkii federaalka ee uu xambaartay iyo inuu wali aaminsanyahay weedhaasoo ahaa mid ay dadweynuhu aad ugu dhag taagayeen inuu kaga shaafiyo mawqifkiisa siyaasadeed, ayaan ilaa hadda la suurayn karin halka ay siyaasadiisu dabada ku hayso, marka laga reebo wararka ku tidhi ku teenka ah ee la xidhiidha sababta keentay xiligan soo gurya noqoshadiisa, oo lagu kala aragti duwan yahay.

Haddana waxaa muuqata inaan si dhaba loo ogayn ujeedada imaatinka C/Raxmaan axmed Cali salka ku hayso. Waxaase in lays waydiiyo u baahan muxuu C/Raxmaan Axmed Cali uga maagayaa saxaafadda inuu siiyo warbixin faahfaahsan oo lagu qanco, amase uu shir jaraa’id ugu cadayn waayay mawqifkiisa mugdiga ku jira ee qaddiyada Somaliland waa yaab iyo yaabka yaabkii.

Si kastaba ha ahaato siyaasadda dadban ee C/Raxmaan Axmed Cali balse waxaa laga sugayaa war mugleh oo maangal ah, u cadee siyaasadaada sida caanaha geela, guntii iyo gabagabadii (Ninkii isha daba aadmigaa arka ninkii uurka dabana Alle ayaa og)

Maxamed Ibraahim Sagax
Hargeysa

Top


Waxa Wacnayd Kordhinta Caafimaadka Balse waa Kordhinta Cudurka

Waxa jirta in guryaheena waxyaabaha qashinka ah ee ka soo hadha cuntooyinka iyo biyaha wasakhda ah lagu daadiyo guryaha hortooda, arrintaasi waxaad moodaa inay iska dhaqan noqotay oo cid la yaabaysaana jirin ama dareemaysaa khatarta wayn ee ku jirta caafimaad ahaan, waxa jirta in reer kastaa urursado maalin oo dhan biyo wasakh leh kadibna habeenkii ku daadiyaan guriga hortiisa iyagoon garanayn inay cudur beerayaan halkii ay nadaafadda iyo caafimaadka kor u qaadi lahaayeen. Meesha lagu qubay biyaha wasakhda waxaa ka dhasha bakteeriya iyo fayras hawada raaca oo keena inta badan xanuunada hawada la isugu gudbiyo iyo qaar kaleba.

Markaa iyadoo ay hawshani tahay tii caafimaadka haddana waxaan dadweynaha ku boorinayaa inay arrintan oo khatar wayn leh ku ah dadka degan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ay dareenkeeda yeeshaan maadaama caafimaadku yahay arrin mudnaantiisa leh.

Caydaruus Cali
Hargeysa

Top


Ururka Saxaafadda Somaliland Waa Tusaale ka mid ah Hor-marka Somaliland

Sida aynu ogsoonahay horumar inta dalkan Somaliland mid marba talaabo muhiim ah qaadaya oo markaasi loo baahnaa, iyada oo ay tusaalayaan aad u waaweyni ay jiraan sida dastuurka Somaliland dejintiisa, iyo aftidii loo qaaday, samaynta habka dimuqraadiga ah ee axsaabta badan, iyo doorashdii G/Deegaanka oo dhamaan dalka ka dhacday.

Sida la yaabka leh ee ay u kaalmeeyeen jaaliyadaha dibada ee Somaliland u dhashay, haddaba Saxaafada cusub ee Somaliland waxaan kula talin lahayn inay ka fiirsadaan waxyaabaha ay ku qorayaan qalinkooda, maadaama uu qalinkoodu kor u qaadi karo, hoosna u ridi karo sumcada iyo horumarka Somaliland, in dhamaan suxufiyiinta la siiyo tababaro ku saabsan habka ay shaqadooda iyo waajibaadkooda ugu danayaan.

In si cadaalad ah oo dastuurkana waafaqsan looga doodo saxafiga dambi aanu galabsanin, lagu xidho in dhamaan saxaafadda cusubi ka madax banaanaato dawladda (Xukuumadda).

Maxamed Axmed Xuseen
Maxamuud Maxamed Yuusuf
Hargeysa

Top


Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga
  • Waa Buug Cusub Oo Ka Hadlaya Kacaankii Mingiste 1974-1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambase, Waxa Turjimay Musse Shoodhe,Waxa

Tifaftiray A.Ducaale

Mingistu: Markii uu qarxay ama uu dilaacay ubixii kacaanku, ka dibna aan anigu Adis-ababa imi si aanu ragayagii hawsha waday wixii fekrado ah isu dhaafsano, laakiin marka aan dareenkii dhinacayga eego waxa uu iila muuqday nin dareemaya inay masuuliyadi I saaran tahay, sidoo kale waxaan isku deyey inaan ogaado Ba’alu Girma sida uu u arko kacaanka, isla markaana waxaan fahmay inay dadku Ba’alu Girma ra’yi wanaagsan ka haystaan oo ay qaderiyaan. Laakiin waqtigaa wax yar ka hor oo ahayd markii aan ka soo noqday Maraykanka ee aan Harar tegay waxay ahayd markii ay ardayda iyo dawladdii Itoobiya isku kaceen ee ay colaadu ka dhex-oogantay, ka dibna waxa bilaabmay borobagaandho xun oo ardayda ka dhan ah iyo falal tirtirid ah oo ardayda lagula dagaalamayo, sidaa darteed Ba’alu Girma sida suxufiyiinta kale waxa uu waday barobogaandada ardayda ku wajahan, waqtigaana saxaafad madax-banaan hadii ay tahay Raadyow iyo hadii ay tahay Joornaal midna ma jirin, sidaa awgeed Ba’alu Girma inkasta oo uu ahaa suxufi wanaagsan ahaa, hadana waxa uu ahaa nin borobagaandadii dawladda faafinaya, isla markaana wax ka qorayey ardaydii, iyadoo ay saxaafaddu hub u ahayd nidaamkii jiray, mar hadii uu sidaa ahaan ama ahayn nin kacaanka taageeri karayey. Laakiin marka dhinac kale la eego isagu waxa uu ahaa nin suxufi ah, warbaahintana dawladda ayaa lahayd, sidaa darteed wixii lagu amro hadii aanu yeelayn markaa inuu shaqada iskaga tago mooyaane may jirin wax kale oo uu yeeli karayey, taas darteedna xaq uma uu lahayn in hadii uu doono uu qoro wixii xaqiiqo ah, markaa taasi ma ahayn wax lagu dhaliili karo ayaa loo arkayey. 

Sidoo kalena markii dambe dhex-joogga wasaaradda warfaafintu run ahaantii waxa uu ahaa mid adag, waxayna ahayd wasaarad ay haysato dhibaato badan oo dhaqaale oo aan weligeed baahi bixin, balse bilihii ugu horaysay ee aanu isku daynay inaanu nin khibrad leh u soo helo iyadana waxaanu kala kulanay dhibaato, waayo sidii aanu u lahayn waar kumaa noqonaya gudoomiyaha Telefishinka ama kumaa noqonaya gudoomiyaha Raadyowga, markaa sidii aanu sidaa u lahayn ayaa dib-dhac weyni nagu yimi, waayo nimankii hore u joogi jiray ama madaxda uga ahaan jiray Telefishinka iyo Raadyowga waxay ahaayeen kuwo khamri daan-daamiyey. 

Hase yeeshee waxa dhacday inaanu mar dambe soo sharaxnay Ba’alu Girma madaxnimada wasaaradda warfaafinta, laakiin waqtigaa aanu Ba’alu Girma soo sharaxnay waxa wasaaradda warfaafinta wasiir ka ahaa taliye Unug Girma, ninkaas oo ahaa nin kacaanka daacad u ahaa oo la isku hallayn karo, isla markaana ahaa nin aamusan, dadkana ay is-fahmi karaan, sidaa darteed wixii dhinaca siyaasadda ku saabsan wasiirka ayaa ku shaqo lahaa oo baadhi jiray, laakiin Ba’alu Girma si uu u caawiyo waxaanu nidhi hala shaqeeyo, waxaanuna u magacawnay kuxigeenkiisa. Hase yeeshee Ba’alu Girma markii uu muddo hawshiisa sidaa ku watay ayaa waxa bilaabmay ololihii xiddigta cas, laakiin ololahaa waxa ka horeeyey dagaaladii bariga Itoobiya ee aanu Somalida Somaliya kula jirnay oo sida la ogyahay guushii balaadhnayd ee intii le’ekayd aanu ka soo hoynay, balse dagaaladaa iyo wixii dhacay looma habayn sidii ay taariikhda u geli lahaayeen, taasna aad baanu uga xumaanay, iyadoo dhinaca kalena uu waqtigaasi ahaa mid nagu adag maadaama aanu ahayn niman aan xoogaysan weli, ayey taasina noqotay fursad na dhaaftay, laakiin waqtigii uu ololihii xiddigta casi socday si aanu u dhicin qaladkii hore oo kale ayaanu soo jeedinay inuu Ba’alu Girma ka amar-qaato Shamalis Masangiya, isla markaana uu soo abaabulo suxufiyiinta, uuna noo raaco Asmara oo aanu hawl-galo ka wadnay, iyadoo la doonayey inuu Ba’alu Girma hawsha borobagaandada isku dubbarido. 

Dabadeedna jadwalkii uu Ba’alu Girma ku hawl-geli lahaa aniga laftayda ayaa gacantayda ku qoray oo u diyaariyey, taasina waxay ahayda siyaasadda dawladda iyo hab-dhaqanka siyaasadeed ee ku saabsan inuu ka amar-qaato Shamalis Masangiya, taas oo ahayd in Ba’alu Girma loo dhamaystiro ama laga caawiyo wixii baahiyo ah ee uu uga baahan yahay hawl-galkiisa dhinaca saxaafadda. Laakiin maamulka gobolka Ereteriya maadaama aanu haysan masuuliyadda ama awoodda faafinta barabagaandada Ba’alu Girma waxa laga doonayey inay iyaga wada shaqeeyaan, iyadoo uu qorshuhu ahaa in marka hawlaha dhinaca saxaafadda iyo barobagaandada la isku dubbarido in xisbiga la horkeeno, waxyaalahaasina waxay ahaayeen in la ururiyo taariikhdii kacaanka, sidoo kalena la ururiyo halganadii Ereteriya lala galay, isla markaana ololihii casaa sida uu u dhacayey iyo sida uu ahaa uu wax uga qoro oo uu dhigaal taariikheed ka sameeyo.

Ganat: Markaa ma run baa sheekada ah inaad adigu Ba’aku Girma ku tidhi buug ka qor ololaha cas ?.

Mingistu: Maya kumaan odhan buug ka qor ololaha cas, laakiin isagu ololihii barobagaandada iyo wax qorista ayuu ka qayb qaatay, mase jirin wax isaga gaar u ahaa oo la yidhi keligaa qor ama si gaar ah loogu dirsan jiray, ta kale ololihii xiddigta cas waxaan kaxaytay niman badan oo ay ka mid ahaayeen, Daawit Walda Gorgis oo ay aad isugu dhowaayeen Ba’alu Girma iyo Shamalis Masangiya iyo nin kale oo la odhan jiray Falaqe oo ahaa taliye-kuxigeenka hogaanka ciidamada ee dhinaca siyaasadda qaabilsan, waxayna ahaayeen koox isugu jirtay abwaano ioy qorayaal.. La soco cadadka dambe.

Top


Waadiga Ciyaaraha 

C/fataax M. Aidied

"Iniesta Waxa Uu Muujin Doonnaa Inuu Hayo Wuxuu Ku Hanan Karo Inuu Noqdo Xidiga Tantanka Dhallinyarada Adduunka 2003"

Wareysi - Jose Pekerman, Tababaraha Xulka Dhallinyarada Argentina Ee Saddexda Jeer Ku Guulaystay Koobka Dhallinyarada Adduunka

Haddii aynu doonayno aragti xeel-dheer oo ku saabsan Tartanka Horyaalka Dhallinyarada ee Koobka Adduunka 2003 ee lagu qabanayo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waa kuma ka aynu weydiin karnaa ee aqoonta ugu saraysa u leh kubadda cagta dhallinyarada adduunka?

Jose Pekerman, waxa uu ahaa tababarihii ku guulaystay Saddex jeer, afartii tartan ee Horyaal Dhallinyarada Adduunka (FIFA World Youth Championship) ee ugu dambeeyay. Pekerman oo wareysi gaara ah siiyay FIFA.com, waxa uu ka warbixiyay aragtida guud ee ay waajahayaan dhallinta da’ yarta ah ee ka soo qaybgalaysa tartankan, kooxaha ugu cad-cad iyo isaga oo soo qaadanaya dhawr xidigood oo uu rajaynayo in ay ka soo bixi doonnaan tartankan lagu qabanayo Imaaraadka Carabta. Wareysigiina, wuxuu u dhacay sidan:

S: Tartankan ma rajaynaysaa wax isbedel ah oo xaga taatikada ama farsamada kooxaha ah, mise waxaad u malaynayaa in uu jiro meel gaar ah oo ixtiraamkeeda leh uun in ay tahay?

J: Tartan kasta oo la dhaafaba kooxuhu hore ayey ugu maraan, iyadoo ay imika taagan yihiin heer la mid ah kooxaha darajada koowaad ee dalalkooda - Tartanka Dhallinyarta Adduunka ee 20-jirka ahi, wakhtigan xaadirka ah, macnihiisu ma aha inuu ka hooseeyo tartanka xulalka darajada koowaad - wuxuu u dhigmaa tartan buuxa oo caalami ah. Ciyaartoyga 19 jirka ahi, waa ciyaartoy buuxa maalmahan dambe, waxaanu noqon karaa muftaax ka mid ah kooxaha darajada koowaad ee dalkiisa.

S: Waa kuwee kooxaha ugu cad-cad tartankan?

J: Waxa aan u kala saarayaa qaybo kala duwan. Waxa jira kooxo khibrad weyn leh, sida; Argentina iyo Brazil. Spain, kadib guushii ay ka gaadheen tartankii lagu qabtay Nayjeeriya, waa xul aad u wanaagsan (Spain waxay ku guulaysatay koobkii tartankii koobka dhallinyarada adduunka ee 1999-kii). Dabadeed, waxa jira kooxo heerkoodu kor u soo kacayo, tusaale ahaan kooxaha Afrikaanka ah. Mexico, ayaa iyaduna meesha joogta. Sidoo kale kooxaha Yurub, sida England, Czech Republic iyo Ireland ayaan iyaguna ka dhicin heerkoodu kuwaa. Waxase aan odhan lahaa mid, kaas oo ah in kooxaha ka socda qaarada Aasiya ay ka dambeeyaan inta kale, waxase aan leeyahay, iyadoo lagu qabanayo tartanka qaaradda Aasiya, mid ama laba ka mid ah kooxaha Aasiya laga yaabbaa in ay ka faa’iidaystaan qaaradooda lagu ciyaarayo oo ay keenaan filanwaa ama dhib ku keenaan kooxaha kale. Kooxna la yar-yaraysan maayo. Bal waxa aad eegtaa xulka dalka Masar, sidii wanaagsanayd ee ay u ciyaartay tartankii Argentina lagu qabtay sannadkii 2001.

S: Waa kuwama xidigaha mustaqbalka fiican leh ee Tartankan?

J: Haddii ay Spain soo qaadato ciyaartoyga Iniesta, waxa uu muujin doonnaa inuu hayo waxa uu ku hanan karo inuu noqdo xidig weyn - taas oo uu hore uga muujiyay kooxda Barcelona, laakiin weli ma garanayno inuu ciyaari doono iyo in kale. Sidaas oo kale, ayaynu ku tilmaami karnaa ciyaartoyda reer Brazil ee Robinho iyo Diego. Haddii ciyaartoyga Robinho uu yimaado tartankan, waxa uu noqon doonnaa ciyaartoyga la daawan doono, isla sidaas oo kale waxa noqon doonna inanka Ingiriiska ah ee Rooney. Waxa kale oo isna jooga Cavenaghi oo runtii u muuqda qayb weyn oo noqon kara xidiga tartanka oo dhan.

S: Waxa aad ku guulaysatay Saddex ka mid ah afartii tartan ee koobka dhallinyarada adduunka ugu dambeeyay, waa maxay sirta ka dambaysa guushaadan tartanada kooxaha dhallinyarada adduunka?

J: Ma jirto wax sir ahi. Argentina, waxa ay noo dejisay nidaam degan oo dhinacyada dhallinyarada kala duwan ah, waxaanay noo dhigtay shax naga caawiysay in aanu hore ugu marno. Laga bilaabo ciyaartoyda 15 jirka ah ilaa kuwa 20 jirka ah, ujeedadayadu waxa weeyaan in aanu isku keeno ciyaartoy dhisan, kuwaas oo kari kara in ay noqdaan khabiiro kubadda cagta ah. Waxaanu isticmaalnay dariiqaddaa, dabadeed nasiib ayaanu yeelanay oo aanu helnay, kaas oo macnihiisu yahay in mararka qaar aad ku guulaysato koobka, mararka qaarna ku guulaysan waydo, iyadoo aanu la ciyaarnay kooxo naga wanaagsan, balse aanu ka badinay. Waxa aan xusuustaa xulka dalka Spain ee tartankii koobka dhallinyarada ee 1995 ee lagu qabtay dalka Qatar uga qaybgashay, kooxdaas oo haysatay ciyaartoy tayadoodu sareyso, sida; Raul, Ivan De la Pea, Fernando Morientas iyo Salgado, waxaanu ku garaacnay oo aanu kaga badinay 3-0. Xulka dalka Brazil oo ay u ciyaarayeen Caio, Denilson iyo Emerson, haddana waanu ka wanaagsanayn. Sannadahaa oo dhan, waxaanu u shaqaynaynay si xidhiidh ah oo fiirsasho leh iyo habayn kooxeed. Waxaanay gebigeeduba ku xidhan tahay u diyaar-garow wanaagsan iyo in aad hesho ciyaartoy tayo wanaagsan.

S: Saddexda koob ee aad ku guulaysatay, kee baad ku raaxaysatay guushiisa?

J: Sababo kala duwan ayaan mid walba ugu raaxaystay. Koobkii 1995-kii ee dalka Qatar lagu qabtay, waxa uu noo baneeyay wadadii, waxaanu naga dhigay in aanu naftayada ku kalsoonaano. Koobkii Malaysia ee 1997-kii, waxaanu u maamulnay in aanu muujino heerkayaga iyo kaalintayada sare ee ciyaarida kubad tayadeedu sareyso, iyadoo cidhiidhi badani na saarnaa, kaasina waxa uu ahaa sannadkii ay ciyaartoyda Pablo Aimar, Juan Riquelme, Walter Samuel, Esteban Cambiasso iyo ciyaartoy kale ay goobta ka ciyaarayeen. Sannadkii 2001, waxa aanu ku ciyaaraynay wadankayaga Argentina, markaa waxaanu rajaynaynay in aanu si wanaagsan u ciyaarno. Taa macnaheeduna waxa weeyi, waxa na saarnaa masuuliyad weyn, qof kastaana wuxuu doonayay in aanu badino; siyaasiyiinta, dadka ciyaaraha kale ciyaara ama dadka nololaha kala duwan ee kale. Xataa kuwa maamulayay tartankaas, kuwaas oo muujinayay in ay awoodi karaan in ay keenaan wax muuqda. Laakiin kooxdayadu, waxay ahaayeen koox aad u cajiiba, waxaanu dhallinay goolashii ugu badnaa ee ay kooxuhu dhaliyeen, waxaanu qaadanay gool-dhaliyihii ugu gool dhalinta badnaa, gool-hayihii ugu wanaagsanaa tartankaas, ciyaarahayagii oo dhan waanu badinay, waxaanu qaadanay jaa’isadii ciyaar wanaaga oo aanu ku qaadanay ciyaar wanaag aanu muujinay. Iyadoo ciyaaraha qaarkood aanu la ciyaarnay kooxo aad nooga wanaagsanaa.

S: Dhammaan ciyaartoyda aad tababaraha u soo ahayd, ma jiraa mid si gaar ah adigu aad uga hesho?

J: Ciyaartoydu way kala wada duwan yihiin. Dadka ayaa laga yaabbaa in ay indhaha ka leexiyaan ciyaartoy aad u wanaagsan, sida Samuel oo kale, waxaanay ahmiyad weyn siiyaan ciyaartoyda lambarka weyn ee 10-ka sita. Laakiin, marka aad arrintaa ka fekerto, aad bay u adag tahay in aad seegto marka uu Samuel ciyaarayo, miyaanay ahayn sidaa? Haddii aad doonayso in aad dhisto koox, waa inuu Samuel noqdaa darbiga koonaha, balse haddii aad doonayso xarago iyo xirfad kubadeed aad wax yar ku raali-geliso taageerayaasha, maxaad ugu darsan weyday ciyaartoyda Denilson, Ronaldo, Ronaldinho, Aimar, Riquelme, Raul iyo Zidane.

Top


Inzaghi oo Neefta Dib ugu soo celiyey Milan

Rome (AFP): Filippo Inzaghi ayaa dhalliyay laba goo oo ay AC Milan dib ugu soo dagaalantay, kadib markii ay Atalanta kaga horeysay Saddex gool, balse ay ciyaartii ku dhammaatay barbardhac 3-3, ciyaartaas oo ka dhacday garoon San Siro shalay Axadii.

Laakiin kooxda AC Milan oo ay muuqaalkeeda ciyaareed aad u liitay ciyaartan, haddana waxa ay awoodi karayeen in ay guulaystaan, haddii xidiga reer Brazil ee Rivaldo aanu lumin kubad rigoore ahayd oo loo dhigay Milan.

Labada dhibcood ee ay weyday Milan, waxay macnaheedu tahay in ay ku fashilantay in hogaanka qabato walow saacado yar ha noqoto inta ciyaarta dhacayso ciyaarta Juventus iyo Inter Milan ee xalay goorihii dambe la ciyaarayay oo natiijadeeda la sugayay.

Ciyaartoyga khadka dhexe Gennaro Gattuso, ayaa diiday in canaanta la saaro difaaca, kadib mooraaljabkan barbardhaca ay ku keeneen kooxdiisu, waxaanu yidhi isagoo ka hadlaaya arrintaasi; "Dhammaantayo waxaanu wada leenahay masuuliyadda, ma aha keliya difaaca." Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Kuwa khadka dambe ka ciyaarayay ilaa kuwa weerarku, dhammaantayo waanu leenahay canaanta."

Atalanta waxa gacanta u soo riyo ay ku hogaamiyaan ciyaarta, kadib markii difaacyahanka Paolo Maldini khalad ugu laaday kubad goolkii uu hayay Dida, isagoo isku dayayay kubad meel fog gacanta lagaga soo tuuray inuu ka fogeeyo kana saaro goolka, balse uu khalad ugu laaday goolhayaha reer Brazil ee kooxdiisa AC Milan.

Maldini way sii socotay habeenka ciyaar xumadiisu, kadib markii uu si xun u maamulay kubad sare, una ogolaaday Fausto Rossini inuu ka hor qaato kuna laado goolka.

Rossini ayaa labeeyay goolashiisa daqiiqadii 31aad, kadib markii uu madaxa ku Dhuftay kubad uu soo baasay Cristiano Doni, kana dhigay ciyaarta 3-0.

Milan ayaa heshay fursad Saddex daqiiqo kadib, kadib markii Clanrence Seedorf kubad u baasay Inzaghi, kaas oo meel 10 yard u jirta goolka kaga laaday, waxaana neeftu dib ugu soo noqotay kooxda Milan.

Milan ayaa heshay fursad rigoore ah, kadib markii Inzaghi khadka gudihiisa dhulka la dhigay, laakiin Rivaldo ayaa kubadiisii uu laaday ku dhacday birta ka hor intii aanay difaaca Atalanta ka saarin kubada goolkooda.

Ciyaartoyga Danish-ka ah ee kooxda Milan, Dahl Tomasson, ayaa gool kale u dhaliyay 20 daqiiqo ka hor wakhtigii dhammaadka ciyaarta, kadib kubad uu si wanaagsan uga soo shaqeeyay Inzaghi oo isagu keenay goolka barbardhaca wakhti dambe, kadib markii uu madaxa ku Dhuftay kubad uu soo karoosay Rui Costa.

Top


Liverpool Oo Ku Guulaysatay Koobka Worthington

Kooxda Liverpool, ayaa isku shareertay daruuraha, kadib xilli-ciyaareed dhibaato badannaa, waxaanay ka badisay Manchester United oo ay ku guulaysatayna koobka Worthington.

Goolka hore oo uu u saxeexay Steven Gerrard, qaybtii hore ee ciyaarta. Michael Owen, ayaa goolka labaad u dhaliyay Liverpool, afar daqiiqo kadib bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta.

Laakiin, geesiga ciyaarta shalay, waxa uu ahaa goolhayaha Liverpool, Jerzy Dudek, kaas oo muujiyay ciyaar wanaag uu ku horjoogsaday weerarada kooxda uu hor kacayay Alex Ferguson.

Top