Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 281 March 4, 2003

Badheedhaha Wargeyska

Wufuud Ka Kala Socota IngiriisKa Iyo Scandinavian-Ka Socdaal Ku yimid Somaliland

Golaha Deegaanka Caynabo Oo Doortay Mayor Iyo Mayor Ku Xigeen

Baabuurkii Ay IRC Ugu Deeqday Cusbitaalka Burco Ma Meel Kalaa Loo Duway

"Saleebaan-Gaal Wuxuu Rayaale Ku Raacay Go’doominta Sool, Waana La Ogaa Ceebtii Uu Soo Hooyay Socdaalkii Rayaale..."

Xubnaha Mucaaradka Golaha Degaanka Gebilay Oo Dareen Diidmo Ah Ka Bixiyay Hadallo Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Rayaale

Sirdoonka Maraykanka Iyo Pakistan Oo Su’aalo Weydiinaya Khaalid Sheekh Maxamed

Shir U Dhammaaday Wasiirada Arrimaha Dibedda Ee Khaliijka

Dawlada Liibiya Oo U Yeedhatay Safiirkii U Fadhiyay Sucuudiga

Muska Yaanu Kala Dhicin Waraabuhu Waxuu Maagan Yahay Maanta

Gabay

Raadyow Maqaloocshe

Kaalinta Ciyaartoyda Afrikaanka Ah Ee Ka Ciyaara Yurub

Real Iyo Juventus Oo Hogaanka Kooxaha Dalalkooda Qabsaday

Ortega Oo Dib Ugu Soo Laabanaya River Plate


Badheedhaha Wargeyska

Hambalyo sanadka Cusub Ee Islaamka

Waxa maanta caalamka islaamka oo ay Somaliland ka mid tahay laga xusayaa curashada sanadka cusub ee hijrada 1424.

Taariikhdan oo laga soo bilaabay maalintii uu nabi Muxamaed S.C.W. u hijrooday magaalada Madiina isagoo ka tagay Maka ka dib markii uu u adkaysan waayay dhibkii iyo cadaadiskii ay ku hayeen gaaladii qureesheed isaga iyo asaxaabtii rumaysay ee raacday hanuunka islaamka ee uu nabiga Ilaahay u soo dhiibay, iyaga oo ku qaaday dagaal aanay waxba ula kala hadhin.

In taariikhda Islaamka laga soo bilaabo Hijradii Nabiga waxaa la bilaabay cahdigii uu talada muslimiinta hayay Cumar Binu Khadaab (RC) markaasoo uu soo jeediyay in dadka muslimiinta ahi ay u baahan yihiin taariikh iyaga u gaar ah.

Waxaa markaa la soo jeediyay saddex fikradood oo kala ah in taariikhda Islaamka laga soo bilaabo maalintii uu dhashay nabigu, in laga soo bilaabo markii uu nabigu u Hijrooday Madiina iyo in laga soo bilaabo maalintii uu nabigu dhintay.

Balse waxaa la qaatay fikrada ah in laga soo bilaabo markii uu nabigu u Hijrooday Madiina. Taasoo u soo jeediyay Cali Binu Abii Daalib (RC).

Sababta loo qaatayna waxay tahay iyadoo ay astaan gaar ah, oo ay leeyihiin dadka muslimiinta ahi iyo iyadoo bilaw u ahayd guushii iyo quwadii ay heleen.

Waxa maalintii uu nabigu Hijrooday laga joogaa 1424 sano oo ah 15 qarni ku dhawaad. Tan mudada dadka Islaamka ahi waxa ay soo mareen marxalado kala duwan iyo duruufo kala gaar ah marbaana jirtay ay dawladda Islaamku ahayd ta u quwada wayn caalamka oo aanay cid ka daba hadashaa jirin.

Curashada sanadkan cusubna wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay muslimiintu marayaan marxalad adag marka dhinac kasta laga eego, taasoo ay Ilaahay ka baryayaan inuu Ilaahay uga farajo muslimiinta.

Haddaba hadii aanu nahay Bahda Haatuf waxaanu hambalyo iyo bogaadin ku Aadan munaasibadan u diraynaa guud ahanba muslimiinta caalamka gaar ahaan dadka reer Somaliland inagoo Ilaahay ka rajaynayna inuu sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo iyo guul aynu ka gaadhno dhamaan himilooyinkeena aamiin.

Top


Wufuud Ka Kala Socota IngiriisKa Iyo Scandinavian-Ka Socdaal Ku yimid Somaliland

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka wasaaradda waxbarashada dawladda Somaliland, Mudane Cismaan Xasan Mire oo uu weheliyo agaasimihiisa guud, Xuseen Cilmi ayaa shalay xarunta wasaaradda ku qaabilay wefti ka socda hayad samafal Ingiriis ah oo la yidhaahdo HALT (Horn of Afrika Learning Trust), hayadaas oo dawladda Somaliland ka caawisa dhinaca waxbarashada, waxay weftiga ka socdaa ka kooban yihiin ilaa 10 xubnood oo ay laba ka mid ahi yihiin reer Somaliland oo kala ah Cabdi Jaamac Yuusuf iyo Siciid Jaamac, iyadoo uu weftigaa dalka uga soo horeeyey C/risaaq Maxamed Saleebaan, wuxuuna ujeedada socdaalka weftigaasi la xidhiidhaa meelmarinta deeqo ay ugu talo galeen Somaliland.

Deeqahaasna waxa ka mid ah dhismaha dugsiga sare ee SH. Cismaan Nuur oo Burco ku yaal, isla markaana burbursan, laakiin weftigaasi waxa isla shalay deeq waxbarasho gaadhsiiyeen dugsiyada Axmed-Dhagax iyo Gacma-dheere, iyadoo ay weftigaasi tegi doonaan magaalada Burco oo ay maanta u ambabixi doonaan, waxaana halkaa u sii raaci doono madax dhinaca waxbarashada ka socota oo uu ka mid yahay agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Axmed.

Hayadda HALT waxay caawisaa ilaa 45 iskuul, "Aad baan ugu faraxsanahay inay kooxdan ila socotaa arkaan xaqiiqda ka jirta Somaliland iyo heerka ay waxbarashadiisu gaadhsiisan tahay"sidaa waxa yidhi Cabdi Jaamac Yuusuf oo weftiga ka mid ah, wuxuuna intaa ku daray "Hawshayada waqtigani waa mid cusub oo ka duwan kuwii hore, waayo waa xagga dhismaha, waana hawsha ugu adag oo hadii aanu ku guulaysano ay wixii dambe halkaa ka sii socon doonaan, berito (maanta) ayaanuna is-leenahay u ambabaxa Burco, halkaas oo aanu iskuulkii u horeeyey ee la doonayo in la dhiso aanu soo eegayno, anaga oo qiimayn ku soo samaynayna."

Hayadda HALT oo uu sameeyay ninka la yidhaahdo Cabdi Jaamac Yuusuf waxay xubnaha ku jira badankoodu ka shaqeeyaan shirkadda la yidhaahdo Rolls-Royce oo ah shirkada samaysa baabuur qaali ah.

Dhinaca kale waxa iyaguna isla shalay Hargeysa yimi wefti kale oo iyaguna ka socda dalalka Iskandaneefiyanka, kuwaas oo ay iyagana ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho iyaga oo doonaya sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhinaca waxbarashada Somaliland, waxayna weftigaasi isla shalay kulamo la yeesheen madaxda sare ee waxbarashada.

Weftiga Iskandaneefiyanka ka socdaa waxay ka kooban yihiin shan xubnood oo kala ah: Tomas Magnusson, oo ka socda dalka Sweden iyo sidoo kale laba haween ah oo u dhashay Norway, magacyadoodana la kala yidhaahdo, Runa Myrvold iyo Grete Ravn Omdal. Sidoo kale waxa weftigan ka mid ah labada nin ee la kala yidhaahdo Cali Xuseen iyo Cali C/laahi oo u dhashay Somaliland, iyadoo uu C/laahi muddo sannad ah dalka hore u sii joogay, laakiin C/laahi waxa uu sheegay inuu si tabaruc wax ugu dhigi doono dugsiga sare ee degmada Gar-adag, wuxuuna Madaxa weftigaasi Mr. Tomas sheegay inuu ku faraxsan yahay sida loogu soo dhoweeyey dalka. "Arinta aanu wadno ee caawimada dhinaca Waxbarashadu waxa uu ku yimi dedaal ka yimi dhinaca Somalida ku nool dalalka Iskandaneefiyanka, waxaana gogol-dhig u ahaa siminaar balaadhan oo lagu qabtay bishii Sabtembar 2002 magaala-madaxda Sweden ee Stock-hom, kaas oo ay ka soo qayb galeen ilaa 60-70 qof oo Somali ahi, iminkana waxaanu tababar siin doonaa ilaa 300 isugu jirta Somaliland iyo Somalida kaleba, iyadoo ay dalalka Iskandaneefiyanka ka iman doonaan dalkasta afar macalin oo Somali ah, kuwaas oo tababarka la qaadan doona macalimiinta halkan lagu tababarayo."

Labadan wefti waxa xalay martiqaad casho ah loogu sameeyey hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa iyaga oo muddo dhawr cisho ah dalka joogi doona.

Top


Golaha Deegaanka Caynabo Oo Doortay Mayor Iyo Mayor Ku Xigeen

Caynabo (Haatuf) Todoba xubnood oo ka socda golaha deegaanka Caynabo ayaa doraad fadhi ay yeesheen ku doortay maayar iyo maayar ku xigeen, Cabdi Maxamuud Axmed oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa loo doortay maayarka Caynabo halka Abokor Shide oo ka tirsan xisbiga UDUB-na loo doortay maayar ku xigeenkiisa.

Xubnaha golaha deegaanka ee doortay oo ka kala socday ururada waxay kala ahaayeen 4 xubnood oo KULMIYE ah xubin ASAD ah iyo 2 laba xubnood oo UDUB ah ayaa si rasmi ah u doortay madaxdii golaha deegaanka, inkasta oo xubnaha golaha deegaanka ee shalay la dhaariyay oo ahaa 11 xubnood, iyada oo xisbiga ASAD doorashadii golaha deeganka ka dib laba xubnood oo ka mid ah afarta xubnood ee ay golaha deegaanka ka heleen lagu bedelay laba xubnood oo kale, taas oo keentay in labadii xubnood ee dambe in ay ku ashkatoodaan labadii xubnood ee hore ayaa iyaguna ku andacoonaya in ay gole deegaan yihiin oo sifo sharci ah ku yimid, murankaas ayaa kenay in afartaasi xubnood ee ururka ASAD ah in dacwadooda maxkamadda loo gudbiyo, isku haysashada labadaasi xubnood ee ururka ASAD ahina waxa ay golaha deegaanka ka dhigaysaa 11 xubnood.

Muranka golaha deegaanka ee deegaanka Caynabo in muddo ah soo jiitamayay ay dhawr jeer u baxeen weftiyo ka socda dawladda iyo guddiga doorashooyinka qaranka waxaa arrinta soo jiitamaysay soo afjaray murankeeda wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Xasan Maxamed Khayre iyo weft la socday oo ka socday dawladda iyo guddiga doorashooyinka qaranka Somaliland oo ka ambabaxay dhawr cisho ka hor Hargeysa.

Xubin ka tirsan golaha deegaanka ee Caynabo oo aanu khadka fooniyaha ku waraysanay ayaa Haatuf u sheegay in ay ku qanacsanyihiin xubnahan la doortay ee maayarka iyo maayar ku xigeenka si fiicana uu wasiirku hawshaa u dhameeyay. Xubintaas oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa ka gaabsaday in magaciisa la sheego.

Top


Baabuurkii Ay IRC Ugu Deeqday Cusbitaalka Burco Ma Meel Kalaa Loo Duway

Hargeysa (Haatuf): Sida uu sheegay Cismaan Cumar Dheere oo xubin ka ah guddiga caafimaadka magaalada Burco baabuur noociisu yahay Landcruiser oo ay hay’adda IRC ee Maraykanka ahi ugu deeqday cusbataalka Burco ayuu la wareegay wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland, iyadoo uu xafiiska sare ee hayadaasi ku yaalay magaalada Hargeysa, sidaa darteed Cismaan Cumar waxa uu hadda socdaal ku joogaa magaalada Hargeysa, isaga oo sheegay in ujeedada socdaalkiisa Hargeysa uu la xidhiidhay in lagu wareejiyo baabuurkaa si uu Burco ugu sii kaxeeyo.

Baabuurkani waxa ka mid ahaa gaadiid iyo qalab kale oo ay hay’adda IRC ku wareejinaysay meelo kala duwan , iyadoo ay masuuliyiintii hayadaasi u kicitimeen dalkoodii, taas oo ay hawlihii ay wadeen yara hakiyeen, taasina waxay keentay inay ilaa dhawr baabuur dee u bixiyaan, iyadoo mid ka mid ah saddexdaa baabuur loogu deeqay cusbataalka Burco.

Sida ku cad waraaq ka soo baxday isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Togdheer, Dr, Maxamed Maxamuud Cali waxa baabuurkaas oo ku talogalku ahaa inay hayaddu ku wareejiso xafiiskeeda Hargeysa gudoonka baabuurkaa loo soo wakiishay Cismaan Cumar-Dheere oo ka mid ah xubnaha guddiga dadweynaha ee dhinaca caafimaadka, wuxuuna sheegay Cismaan inuu aaminsan yahay inuu baabuurkaa la wareegay wasiirka qorshaynta dawladda Somaliland, laakiin nooma ay suurta gelin inaanu wasiirka dhinaciisa wax ka waydiino arintaa.

Top


"Saleebaan-Gaal Wuxuu Rayaale Ku Raacay Go’doominta Sool, Waana La Ogaa Ceebtii Uu Soo Hooyay Socdaalkii Rayaale..."

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga KULMIYE ayaa jawaab ka bixiyey hadalo dhowaan ka soo yeedhay Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan-gaal), isla markaana waxa uu xisbiga KULMIYE iftimiin ka bixiyey mawqifkiisa ku wajahan gobolada bariga Somaliland, wuxuuna xisbiga sidaa ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray af-hayeenka xisbigaasi, Maxamed Iid Dhimbiil.

Hadalka uu xisbiga KULMIYE soo saaray inkasta oo uu dhinacyo dhawr ah oo kala duduwan jawaabo lagaga bixinayo, hadana waxa uu daba socdo hadalo dhinaca KULMIYE khuseeya oo uu gudoomiyaha ASAD, Saleebaan Maxamud Aadan kaga tiraabay xafladdii dhowaan ka dhacday hoolka shirarka xarunta shaqaalaha Hargeysa ee ku saabsanayd midowga xisbiga UDUB iyo qoladii uu Saleebaan hogaaminayey ee ururka ASAD, iyadoo dhinaca kalena uu xisbiga KULMIYE si weyn u dhaliilay istaraatijiyadda xukuumadda Madaxweyne Rayaale ee ku waajahan qadiyadda bariga Somaliland. Laakiin war-saxaafadeedka xisbiga KULMIYE arimahaa kaga hadlay isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

"Waxaanu halkan kaga jawaabaynaa hadalkii Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan-gaal) ka jeediyey xafladdii uu kula bahoobay xisbiga UDUB, hadalkaas oo uu kaga been-sheegay mawqifka xisbiga KULMIYE ee xaaladda gobolada Bariga Somaliland isaga oo sheegay inay xisbiga KULMIYE aragti ahaan isku waafaqi waayeen arinta gobolka Sool iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Sanaag oo aanay doorashooyinku ka dhicin. Hase yeeshee sida uu gudoomiyaha xisbiga KULMIYE-ba ku sheegay waraysigii dheeraa ee uu BBC-da siiyey iyo shirkii jaraa’id ee uu qabtay maalintii ay guurtidu mudada u kordhisay xukuumadda bishii Jananweri 18, 2003 iyo weliba munaasibado kale oo door ah mawqifka xisbiga KULMIYE waa mid cad, waana in dadka reer Sool la siiyo dhammaan xuquuqda ay Qaranka Somaliland ku leeyihiin oo uu ku jiro xaqa doorashadu iyo in la gaadhsiiyo maamulka dawladda. Ta kale xisbiga KULMIYE iyo hogaamiyihiisu waxa uu si buuxda u taageeray hawl-galkii salaadiinta iyo madax-dhaqameedyadu hogaaminayeen ee ay saddexda bilood Laas-caanood u fadhiyeen, kaas oo wejigiisii hore ahaa in nabad laga dhex-dhaliyo beelo reer Sool ah oo colaadi dhexmartay , laguna turxaan bixiyo beesha gudaheeda, wejiga labaadna uu ahaa in laga wada hadlo arimaha siyaasadda iyo sidii loo turxaan saari lahaa tabashooyinka dadka gobolkaasi ka qabaan maamulka Somaliland. Hawshaas oo aanu u aragno tii ugu miisaan weynayd iyo sansaankii ugu quruxda badnaa ee loo wajaho arinta gobolkaa , balse waa tii la ogaa ee uu Madaxweyne Rayaale dhexda kaga dhacay arintii oo aan bislaan oo aan weli loo gondo degin wejigii labaad ee siyaasadda, isaga doonaya taageero siyaasadeed, isla markaana aamin daro iyo kalsooni daro ka qabay ergada odayaasha ah iyo dadka reer Sool-ba., waana la ogaa ceebtii iyo fashilaadii uu dawladda iyo qarankaba u soo hooyey ee ku yimi socdaalkii damacu hagayey ee Laascaanood.

Waxay ahayd toddobaad ka hor maalintii doorashadii golayaasha degaanka loo cayimay ee Diisambar15, balse nasiib daro falkaa qarank kaga dhiilaysiiyey madaxweynuhu maba shidaysan, wuxuuna sii watay ololihiisii, ka dibna waxa uu ku baaqay inuu xukun degdeg ah ku soo rogay gobolka Sool marka laga reebo degmada Caynaba doorashaduna aanay ka dhacayn, talaabooyinkaasna waxaanu hore u cadaynay , welina u aragnaa inay yihiin kuwa guracan oo garab marsan siyaasadda quman. Waxa kale oo aanu canbaaraynaynaa dhawaaqii mudane Rayaale ka soo baxay ee ahaa in wixii wax qabad ah ee uu weftigiisu siday uu dadka gobolkaa kala soo noqday. Laakiin khaladaadkaa iyo kuwo kale oo ay xukuumaddu ka gashay gobolka Sool KULMIYE waxa uu ku taliyey, welina qabaa in lagu saxo talo qaran oo mug iyo miisaan leh, taladaas oo ay ka wada qayb galaan axsaabta iyo golayaasha qaranku, laakiin taladaasi waa ta ay UDUB ka dhega-adaygayso. Sidaa darteed qolada UDUB ku biirtay marmarsiinyo uma noqonayso inay danaynayaan arinta Sool iyo bariga Sanaag, isla markaana ay UDUB oo keliya isku aragti ka noqdeen.

Xisbiga KULMIYE marna ma qabo , kamana suurtawdo inuu dayriyo ama iska ilaawo gobol ama degmo ama Tuulo ka mid ah Somaliland, laakiin taasi waxay ku cadahay xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB oo gobolka Sool go’doon ku soo rogay, raalina ka noqday in gobolka Sanaag ay isku eryadaan ciidamo shisheeye, saldhigo maleeshiyana ka samaystaan. Ta kale wada hadalka uu Saleebaan-gaal sheegay inuu la yeeshay KULMIYE si uu ugu biiro wuu jiray, balse inay isku af-garan-waayeen arinta Sool iyo bariga Sanaag waa mid sal iyo raad toona lahayn, waayo sida la ogyahay Saleebaan waxa uu ku cawday natiijadii uu ururkiisu ka helay doorashadii degaanka, laakiin si ka duwan aragtida ururada kale ayey ahayd, taas oo uu isagu qaatay mawqif ah in aan la soo saarin saddexda xisbi ee noqonaya axsaabta Qaranka ilaa inta ay doorashooyinka degaanku ka dhacayaan toddobada degmo Sool iyo Sanaag bari ka tirsan ee aanay doorashadu ka dhicin, laakiin KULMIYE wuxuu qabay in la aqbalo natiijada doorashada inta la hayo wada jirna looga hawl-galo in doorashada soo socota ee madaxtinimadu ay degmooyinkaas uga dhacdo si nabad-gelyo ah, maamulkana la gaadhsiiyo, iyadoo aanu KULMIYE dafirin inuu khaladaad jiray, UDUB-na wax isdhaaf-dhaafisay, markaa mawqifka la kala taagnaa kaas ayuu ahaa. Laakiin waxa wax aad loola yaabo ah in Saleebaan inta uu diiday mawqifka KULMIYE uu Rayaale iyo UDUB ku raacay go’doominta iyo takooridda gobolka Sool, taas oo aan ahayn mid uu ugu danaynayo bari. Hase yeeshee KULMIYE waxa uu qabaa in arinta Sool iyo bariga Sanaag ay arin qaran oo u baahan talo qaran oo loo dhan yahay, iyadoo la ogyahay gole-kafuulkii hore ee UDUB iyo Rayaale xaaladda uu geyeysiiyey gobolkaas, isla markaana dhego-adayga UDUB iyo xukuumaddu waa ka arinta halkaa soo gaadhsiiyey ilaa waqtigan oo bil iyo toddobaad inaga xigo doorashadii madaxtinimada.

Si kastaba ha ahaatee KULMIYE waxa uu u arkaa in axsaabta siyaasadda oo dhami ay saaran yihiin dooni keliya oo aan lahayn fursad mid keligii u banana."

Top


Xubnaha Mucaaradka Golaha Degaanka Gebilay Oo Dareen Diidmo Ah Ka Bixiyay Hadallo Ka Soo Yeedhay Madaxweyne Rayaale

Gebilay (Haatuf): "Waxaanu qabnaa inaanay jirin cid qabiil isku haysatay, laakiin la isu haystay mucaarad iyo muxaafid, kuwaas oo kala jiidanayey maamul dhexdooda laga dhisayay", sidaa waxa yidhi C/raxmaan Cismaan Yuusuf oo ka mid ah xubnaha golaha degaanka Gebilay, laakiin ah af-hayeen u hadlay xubnaha mucaaradka golaha degaanka degmada Gebilay, wuxuuna mudanahani hadalkaa yidhi isaga oo ka jawaabay hadalo uu Madaxweyne Rayaale ku sheegay waraysi ay BBC-du la yeelatay doraad, taas oo uu Madaxweyne Rayaale sheegay inaanay xukuumaddu wax farogelin ah ku samayn dhismayaashii golaha degaanka, laakiin ay beelo iyo wax la mid ah isu haysteen, balse af-hayeenka u hadlay xubnaha mucaaradka golaha degaanka Gebilay isaga oo u waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan waxa uu sheegay in jawaabta uu madaxweynuhu su’aashaa ka bixiyey aanay xaqiiqda ku qotomin, isaga oo arintaa ka hadlayana wuxuu yidhi "Arintaasi waxay ahayd khilaaf ka yimi xukuumadda iyo xubnaha UDUB ee Gebilay, waana ta uu Madaxweyne Rayaale xilka kaga qaaday wasiirkiisii waxbarashada, Axmed Yuusuf Ducaale iyo wasiir-kuxigeenkiisii hawlaha guud, Cabdi Cawaale, ta kale anagu waxaanu eegnay baahida dadkayaga ee ahayd in la iska dhaafo khilaaf keeni kara isku dhac dhexmara dadka walaalaha ah ee degaanka ku wada nool, taas darteed ayaanay wax ku dhamaadeen, balse sharci wax laguma dhamayn."

Af-hayeenkani waxa uu ugu dambayn xukuumadda Madaxweyne Rayaale u soo jeediyey inay joojiso faragelinta ay ku hayso dhismaha golayaasha degaanka "Anaga oo raali ka ah xukuumadda wixii sharcigu u fasaxayo inay qabato, laakiin ay joojiso fara gelinta iyo iska horkeenka dadka "ayuu yidhi afhayeenku.

Top


Sirdoonka Maraykanka Iyo Pakistan Oo Su’aalo Weydiinaya Khaalid Sheekh Maxamed

Islamabad (W. Wararka) Masuuliyiinta Pakistan ayaa sheegay inay wax waydiinayaan Khaalid Sheekh Maxamed oo ah xubin sare oo ka tirsan ururka Al-Qaacida oo maalintii sabtidii ay qabteen ciidamada amaanka ee Pakistan iyadoo lagu tuhunsanyahay inuu ahaa ninkii dejiyay farsamadii lagu fuliyay weeraradii lagu qaaday marayakanka 11-kii September,2001, taas qayb ka ah baadhitaanka arrintiisa la xidhiidha.

Khaalid Sh. Maxamed oo la sheegay in da’diisu tahay 37 sanadood dhalasho ahaana la sheegay inuu ka soo jeedo dalka Kuwait waxa lala qabtay laba xubnood oo kale, oo ilaa iyo hadda magacyadooda aan shaaca la qaadin, ka dib markii ay hawl wada jir ah fuliyeen ciidamada amaanka ee Pakistan iyo hay’adda sirdoonka maraykanka ee CIA.

Baadhitaanka iyo su’aalaha la waydiinayo Khaalid Sh. Maxamed waxay ka dambaysay markii ay dawladda Pakistan ay gacanta u galisay dawladda Maraykanka, waxaana la sheegay in loo gudbiyay meel ka baxsan Pakistan, balse masuuliyiinta Pakistan shaaca kamay qaadin goobta la geeyay.

Qabashada Khaalid Sh. Maxamed waxa aad u soo dhawaysay dawladda Maraykanka oo ku tilmaantay guul laga gaadhay la dagaalanka waxa ay ugu yeedhaan argagixisada, madaxweynaha Maraykanka ayaana ku tilmaamay talaabo guul ah.

Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Pakistan waxa haatan laga fiirsanayaa talaabadii taa ku xigtay ee la qaadi lahaa, iyadoo haatan lagu guda jiro su’aalo la waydiinayo Khaalid Sheekh iyo xubnaha lala qabtay.

Top


Shir U Dhammaaday Wasiirada Arrimaha Dibedda Ee Khaliijka

Doha (W. Wararka) Shir ay ku kulmeen wasiirada arrimaha dibada ee dalalka xubnaha ka ah golaha iskaashiga Khaliijka ayaa maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay caasimada dalka Qatar ee Doha, iyagoo wasiiradu taageeray hindisaha Imaaradka carabta ee ku waajahan xal u raadinta xiisada dalka Ciraaq, oo ay ku soo bandhigtay shirkii madaxda Carabta, ee lagu soo gabagabeeyay Sharma-Sheekh kaasoo dhigayay in madaxweynaha Ciraaq uu xukunka iskaga dago isla markaana la siiyo magangelyo xagga siyaasadda ah.

War murtiyeed laga soo saaray shirkaasi markii uu dhamaaday waxa ay wasiiradu bogaadiyeen madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sh. Saa’id Binu Suldaan Aala Nahyaan oo isagu soo bandhigay hindisahaasi, oo ay ku tilmaameen in ujeedadiisu tahay sidii Shacbiga Ciraaq looga badbaadin lahaa dhibaato iyo sidii looga baxsan lahaa weerar lagu qaado dalkaasi.

Waxaa kale oo ay wasiiradu caddeeyeen werwerka ay dalalka golaha iskaashiga Khaliijku oo kala ah Sucuudiga, UAE, Kuwait, Qatar, Baxrayn iyo Cumaan ay ka qabaan marxalada u marayo gobolkaasi iyo siday suurta gal u tahay weerar lagu qaado Ciraaq iyaga oo tilmaamay, siday lagama maarmaan u tahay in Ciraaq ay fuliso go’aanadii ka soo baxay golaha amaanka ee qaramada Midoobay, iyo in baadhayaasha hubka ay siiso Ciraaq fursad ay hawshooda ku wataan, iyagoo ugu baaqay in dhinacyada ay khusayso xiisada Ciraaq inay arrinta ku dhameeyaan xal diblomaasiyadeed.

Dhinaca kalena waxa sii socota xiisadii u dhaxaysay Ciraaq iyo Maraykanka iyadoo ay soo baxayaan dhawaaqyo badan oo ku baaqaya in mushkiladaasi lagu dhameeyo xal diblomaasiyadeed.

Dhawaaqii ugu dambeeyay waxa uu ka soo yeedhay madaxweynaha Faransiiska Jack Chirac oo ka hadlayay shalay baarlamaanka Al-jeeriya isaga oo ugu baaqay dhinacyada ay khusayso xiisadaasi inay ku dhameeyaan xal diblomaasiyadeed.

Top


Dawlada Liibiya Oo U Yeedhatay Safiirkii U Fadhiyay Sucuudiga

Tripoli (W. Wararka) Dawladda Liibiya ayaa qaraar ku gaadhay inay u yeedhato safiirkeedii ka fadhiyay xarunta dalka Sucuudiga ee Riyaad ka dib markii uu mad madaw soo dhex galay xidhiidhka labada dal, kaasoo ka dambeeyay markii uu muran iyo yooyootan ku dhexmaray hogaamiyaha Liibiya Macmar Al-Qadaafi iyo amiirka leh dhaxalka boqortooyada Sucuudiga Amiir Cabdala Binu Cabdi Casiis maalintii Sabtidii shirkii madaxda dalalka Carabtu ay ku yeesheen magaalada Sharma-Sheekh ee dalka Masar.

Xiisadaasoo la sheegay inay markii hore u muuqatay mid la xaliyay, laakiin markii dambe ayay cirka isku sii shareertay, iyadoo ay soo baxeen borobogaandho iyo dacaayado la isku waydaarsaday warbaahinta labada dal, taasoo keentay in kumaankun qof oo Liibiyaan ahi ay labadii maalmood ee u dambeeyay mudaaharaad ka hordhigaan safaaradda uu Sucuudigu ku leeyahay xarunta Liibiya ee Tripoli iyagoo ku dhawaaqayay hal ku dhegyo lid ku ah boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Muranka labada hogaamiye dhexmaray sida la sheegay waxa uu bilaabmay markii uu hogaamiyaha Liibiya ku daray khudbadiisii hadalo uu ku cambaaraynayo Sucuudiga oo uu sheegay inay miciin ka dhigteen Maraykanka si uu difaaco, taasoo uu ku tilmaamay inay isbahaysi la sameeyeen shaydaanka, isaga oo ula jeeda Maraykanka si loogu xumeeyo Ciraaq. Balse waxa dhawaaqaas si kulul u beeniyay Amiir Cabdala oo sheegay inuu wakhtigu gaadhay xiligii laga takhalusi lahaa nidaamka Macmar Al-Qadaafi. Xiisadan labada dal ka dhex aloosantay oo ah mid cusub oo aan hore maanka loogu hayn waxay u muuqataa mid ka sii daraysa iyadoo ay labada dalba is-dhaafsanayaan hadalo ay hanjabaadi ku ladhantahay. 

Top


Muska Yaanu Kala Dhicin Waraabuhu Waxuu Maagan Yahay Maanta

Waxay ahayd 1991-kii markii xoolahan ma yeedhanka ahi ay ku tashadeen in aanay xoolo dambe oo ay kala sumad yahiin aanay dib ugu darsamin. Sababta oo ah waxay kala qaloodeen xoolo hore oo ay isku jireen, taladoodiina waxay ku go’aansadeen in ay goostaan waxaana u suuro gashay inay ku noolaadaan sagaro ay u dhan yihiin biyihii iyo baadkiiba. Waxaana xoolahaa markii u horeysay iska yeeshay horjoogana ka noqday muddo laba sanadood ah nin la yidhaahdo C/Raxmaan Godane, ninkan odayga ah ee C/Raxmaan Godane mudadii uu xoolaha masuulka ka ahaa wax la taaban karo umay qabsoomin saddex sababood awgeed.

  1. Wakhtigoo cidhiidhi ku ahaa

  2. Isaga oo jeclaa in xoolaha dib loogu celiyo xoolihii laga soo soocay.

  3. Oo ahayd inay ku gadoodeen xoolahan qaarkood oo waliba ahaa kuwa ugu geesaha fiiqfiiqan.

Halkaa markay xaaladu marayso ayaa waxaa si aan laysku wada raacsanayn xoolihii ula wareegay masuulna ka noqday nin kale oo geeriyooday alla ha naxariistee oo la odhan jiray Maxamed madoobe, ninkani waxa uu ahaa nin aan la garanayn siduu wax u wado waxaanu runti ahaa nin aad u adag markuu doono waxa uu odhan jiray xoolaha xeradoodani uma wanaagsana adduunyaduna sidan wax kuma iibsato ee talaa loo baahan yahay, markuu doonana waxa uu odhan jiray, xoolahan dib loogu dari maayo candho laysigii aanu ka soo soocnay. Waxayse ugu darnayd markii ay xoolihii yaraa uu masuulka ka ahaa ay dagaal gorada is dareen iyagoo u kala baxay Ido iyo riyo. Halkaana waxaa ka dhashay khasaare naf iyo maalba le’h, dagaalkaana waxaa la yidhaahdaa waxaa u sabab ahaa is maandhaaf soo kala dhexgalay horjoogihii hore iyo horjoogihii xiligaa u talinayay xoolaha, halkaana waxaa bilaabmay dagaalkii idaha iyo riyaha siday doonaanba ha u kala raaceene.

Intaa ka dib laga heshii xoolihiina isku soo noqde laguna heshii in uu talada xoolaha sii wado ninkii odayga ahaa, intaa dabadeed la iska barwaaqaysay. Neef neefkii geesaha dhaadheeraa ee wadaadkii C/Raxmaan Godane ku gadoodi jiray ayuu marxuum Maxamed Madoobe geesaha ka jajabiyay, si aanay ugu gadoodin taasina waxay u sahashay in uu talada hayo muddo sagaal sanadood ah ilaa uu ka geeriyooday.

Waxyaalaha lagu xasuustana waxaa ka mid ahaa.

  1. Isaga oo aan xoolihiisa iyo sagarada ay daaqaan iska daayoo aan xataa muska ama ooda xerada ku oodan cidi u soo dhawaan jirin.

  2. Orgiga aad u qalaadiya iyo sumalka uu is yidhaa xoolahay kaa didin, xerada dhexdeeda ayuu ku siin jiray dhaameel iyo doogba, waxaanu ahaa nin gacan waynaa, haddii ay intaa ku joogi waayaana waabu tumi jiray ama xiniinyo siibi jiray.

Isku soo wada duuboo marxuumkaasi muu ahayn nin la malayn karo, xoolaha uu horjoogaha ka ahaana way ku murmi jireen wuu saxan yahay iyo wuu khaldanyahay, taasoo doodu ay is raacin jirtay qayb riyo ah iyo qayb ido ah, dhinaca kalena ay ka soo jeedaan qayb riyo ah iyo qayb ido ah. Taasoo aad arkayso in ay ka duwanayd sidii hore.

Waxaa isna aan la ilaawi karin in intii uu marxuumkaasi noolaa ay si aada isku seegeen nin la yidhaahdo Geele Waraabe oo isna xayn yar ku haysta xero waqooyi galbeed ka xigta xeradan. Ninkan odayga ah ee Geelle waraabe la yidhaahdo wuxuu naanaysta waraabaha kula baxay, waa isaga oo cidii ay isqabtaan hadduu doono iska soo dhiga Waraabe, halkaasoo aanu xoolaha iyaga ah waxba kaga reebin, waa hadduu xoolahaa ka helo baylah.

Haddaba ninkii Geelle Waraabe ayaa maalin maalmaha ka mid ah ku yidhi marxuumkii geeriyooday, xoolahan aad soo soocday, ku dar xoolihii ay hore iskugu jireen, anigana ijaarkaaga xagaa iiga durki, arrinkaasi wuu ku diiday marxuumkii waxaana la kala gaadhay heer neefka baadida ah aan la isku soo celin ee la kala qasho. Waxaana jirtay marar badan oo uu Geelle Waraabe xoolaha muska uga soo dhici gaadhay, waxaase ka riday isaga oo aan neefna qaadan niinkii odayga ahaa ee Maxamed Madoobe Ilaahay ha u naxariistee.

Akhristoow arrinka oo halkaa maraya oo xoolahu hadday sanqadh yar maqlaanba ay riyuhu bif bif-ta guraanba, marxuumkiina gaadhka gaafwareegaba, runtiina Geelle Waraabe isaga quustay ayaa waxaa geeriyooday horjoogihii Maxamed Madoobe Alla ha u naxariisto isaga iyo wixii umada nabiga ahba.

Intaa ka dib haddaba maxaa dhacay si aanay xooluhu u caymadin ayuu si dhakhso ah taladoodii ula wareegay nin aan hadal badnayn oo ku xigeena u aha ninkii geeriyooday, kaasoo uu xoolaha kaga sii tagi jiray markuu marxuumkii dagaal tagayo, ama sahan u baxayaba, ninkan cusub ee odayga ah hore la iskuguma taxalujin jirin in la ogaado mawqifkiisa gaar ahaaneed, waxaase lagu yaqaanay inuu xoolaha si fiican ula sii joogi jiray inta loogu imanayo.

Ninkan odayga ah waxaa la yidhaahdaa Daahir Dheere, waa nin ido iyo riyaba laga mabsuuday markii u horeysay, isla maalmo gudahoodba waxa uu balan qaaday in xataa haddii uu saqda dhexe neef qayliyo uu soo toosi doono si uu u ilaaliyo, xaqiisa ugana soo jari doono neefkii kaga cabaadiyay waxaa kaloo uu balan qaaday in aan dib loo kala badsan doonin daaqa kaasoo markuu neef mar cawska cantuugo uu ka kalena cantuugi doono, waxaanu intaa ku daray inuu xerooyinka waaweyn ee caalamka waydiisan doono in xero ahaan loo ictiraafo, taasina waxay ka dhigtay in si fiican loo soo dhaweeyo waxa uu taabtay intii ay u baahnaayeen xoolahu. Markiiba waxa uu kasbaday sumalo badan oo muddo hore marxuumkii kaga dhuuntay guri ku yaala biriishka agtiisa, waxaase sumaladaa oo kalsooni isku qabay u hiiliyay Orgi badan oo qoodha oo sheegtay inay markay doonaan Libaaxyo noqdaan, halkaana laysku mari waayay, ninkii geeriyooday iyo libaaxyadaa.

Daahir Dheere hadba waxa uu dajiyay xoolo badan oo kacsanaa, halka ay imika Orgidii ugu geesaha dhaadheerayd oo kuwii geesaha laga jajabiyayna intay qaar cusubi u soo baxeen ay kala soo horjeesten, taana aynu u dhaafno wakhtigeeda.

Aynu isweydiino ninkii Geelle Waraabe mar hadduu ninkii adkaa ee kolba wid wid ku lahaa uu dhintay, maxay kala muten imika Daahir Dheere iyo Geelle Waraabe, waxaad moodaa in aanu Daahir Dheere u babac dhigi karin, weerarka uu Waraabuhu habeen iyo maalinba ku hayo xoolihiisa, taasoo aad mood inuu Daahir xoolihii maalinba xayn dhurwaagu goosanayo, maalmahanaba waxaaba la sheegayaa inuu waraabuhu weerar ka soo bilaabay dhanka Bariga, ilaa imikana waxaa lagu murmayaa Daahir Dheere waligiiba, waraabayaasha wax cuna wuu ka baqaa.

Siday doonto ha noqotee waxaa la leeyahay xoolihii wadnaha ayay farta ku hayaan waanay coog-coogayaan baryahan dambe, arrinkana haddaanu Daahir Dheere sidaa wax ka bedelin waxaa la arki doonaa iyadoo inta xadhiga lagu hogaaminayo lagu aamini waayo faruuryo xidh loo raaciyo loona kaxeeyo xagaa iyo Koonfurta Soomaaliya isaga iyo hadhaageenaba, waa haddii aanay dadkan imika aan xoolaha ku tilmaamayaa anaay wax fahmin ama aynaan helin atoore inaga soo gaadha.

F. G. Dadkeenu wax xoolo lagu tilmaamo ka qaalisan laakiin waxaan uga jeedaa hurdada halaga kaco dabinada cadawgana ha la iska ilaaliyo.

Cabdi Xuseen Ismaaciil
Hargeysa

Top


Gabay

Mid matala mataanaha, dalka maamulka u qaada.
Oo aan muraad gooniya, meel wax dhiganaynin.
Mafac ma guurtada dahsoon, midhaha soo saara.
Gaajada mijaha yeelatee, muruxsan ee taagan.
Ee aan Malyuun Sano, ka tegin mooska gurigeena.
Allahayoow masuul naga tirtira, murugadii raagtay.
Mawlow maftaaxa noogu dhiib mahadi waa taaye.


Allahayoow Milgaha dawladeed, madaha loo jeexay.
Ee uu Makhluuqii arligu magan u hoos joogo ee.
Maanka meeshaan ku nool, marag cadaynaayo,
Ee Calanka maandeeq mir dhexe mawqaf lagu taagay.
Midab iyo astaan looga dhigay, mudanka tawxiidka.
Mulki lagu aqoonsado, nasii muran la dayn waaye.

Allahayoow adaa Maaligee, maati baanahaye.
Mayalkiyo hogaan noogu dhiib, madaxaad noo doortay.
Mahdabtii Islaamkiyo daraan diinta, naga maydhin.
Oo aan masiibiyo colaad, midhiqleh soo hoynin.
Maslixiyo mid aan, doorin karin magaca diiwaanka.
Madar da’a barwaaqaalihii, nabada maasheeya.
Oo cadawgan soo wada mutaxan, maylinka u qaada.
Mabda’eena Somaliland, meel fog ka cadeeya.
Oo aan makalin uumiyaha, maayada u dhiibtay.
Meel daye macaash naga qarsoon, macalin noo sheega.
Allahayoow muftaaxaa noogu dhiib, mahadi waa taaye.

Geeloo masaafaha xerkiyo, maangad ku haraaday.
Oo uu Malmalay oonka gubay, miiray hilibkiisa.
Mulki laguma soo horo, ceel haddaan maaxda lagu dayne.
Meehashiyo wuxuu kugu dilaa, magan mag hawleed.
Haddaan maqalka kayd kuugu jirin, laga masruuf qaato.
Oo aan mag-maag daaliniyo, madhiye loo diidin.
Oo madhaxso aynaan is-odhan, maalka qarankeena.
Marti iyo sidii ooynu nahay, duni ku meel gaadh ah.
Mudankiyo dhaqaalaha haddaan, moosinka u goyno.
Maskab ma leh, milgaha dawladeed way mutuxantaaye.


Ma magoolo geedkii biyaha, maar ka celiyaaye.
Maanjeenka dayrtii, fafiyo midhif cas mooyaane.
Manka ubuxu kama soo baxo, madaxa laama’eeye.
Maydhax lagama diiriyo, dufkiyo xadhig maleegtiiy’e.
Macfal la isu soo baxay, ma dego muruxa geedaaye.
Milic lama fadhiistiyo, cidlada maalin dabadeed ah.
Mason damal hadh wayn, baa naflaha maanku ku hirtaaye.
Iyadana martaha dawladnimo, waa masaladaase.


Sharcina waa muraayade, haddaan madawga loo diidin.
Muduci iyo mudaacalay, hadday wax isku maandhaafto.
Maxkamad cadaaliyi, hadday mililka goyn waydo.
Oo ay makeekido, xaqlaha mood ku diriraaya.
Midnimiyo makaan dawladeed, malaha meeqaane.
Miskihiyo cadaaladi lafaha, dhabarka weeyaane.
Mergi go’ay muraar kuma bogsado, muruqa jiidmaaye.
Maansaar hashii beri liqdee, oday ka maah maahay.
Masalooyinkii waayo hore, maanka gali waayay.
Miidaan garsoor kugu dulmiyay, muranku dheeraaye.
Mucjisooyinbaa laga dhaxlaa, cidina maarayne.
Musuqmaasuq baa dila bulshada, maakin wada taale.


Allahayoow maqaam dawladnimo, maalo ubadkeenu.
Oo aan mishiikh kaga baxniyo, noloshan maydhaaman.
Majaraha tacliintiyo cilmiga, marinka waydaartay.
Masrixiyo ku soo laabi kara, madasha doorashada.
Magaasiinka oodmaa cilmiga, waa murkiciyaaye.
Ardaygii minhaaj tabanayaa, soo mudhbixiwaaye.
Miisaanka heer lagu cabiro, macalin shaandheeya.
Muxda laga durduurtiyo indhaha, maranmar dheeraada.
Marqashada hadday maadadu, maanka gali waayo.
Mugdi habeenbaa u duma, magani goonyaade.


Haddii madax mijaha loo rogo, socodna aad maagto.
Laafyaha mushaaxiyo xarago, waa mid aan dhicine.
Mayal waynka moorada cirkiyo, miridhka gooshaaya.
Ee degay madaar samada yaal, maqashe waa yaabe.
Madfac qori milsa, goora iyo moosko laga tuuro.
Ayaa dunida miidaamin kara, maalin galinkeede.
Maskaxdoo aqoon lagu maliyay, maraq furaalaysay.
Oo maaxday gaaxdii cilmigu, magacu waa beene.
Magawga iyo caanaha sidii, malabka loo daaqye.
Maacuunka maadhkiyo hubkii, lagu mafsuudaayo.
Ragbaa miida dhaansaday, intaan meeshan dhererayne.
Marduuf qaad mirqaan aan waxtarin, muranka haasaawe.
Anaa mudan, anaa muunad roon, laysu mari waaye.
Mano sheeg qabiil iyo fadhigan, loo mijilisaayo.
Madadaalo weeyaan dadyow, meheradiiniiye.
Marxabada sheekiyo fadhigu, mare galin weeyaane
Meertada adduun waa shaqo, loo maxaafsado’e.
Miiraanle roob da’ay, haddaan moos u xidhi wayno.
Oo mawjadaha duulayaa, moqor u waydaarto.
Midhihiyo sabaadkii cuntada, ma lihin roonoow’e.
Mashaariicda beeraha haddaan, marashi loo qaadan.
Macdanta iyo shidaalkii dhulka, maararka u jeexin.
Muruqoo iskaashaday, dadkoo meel u wada jeeda.
Marsadii barwaaqo ah, tacabka ku muuqdaaye.


Midigtiyo gacmahan laaban, baa riixay mulaygiiye.
Mucsur iyo sabool kama fursado, muhundis baaqdaaye.
Ma huraanka xoogiyo, farsamo milantay loo aaye.
Mixdinkiyo muraad oogan baa, ceel ma dayn kara’e.
Murta furan macaankaa hurdada, waa ismoognahaye.


Midiyahoow maxaadh laba afliyo, mudacyo dheeraada.
Maadhiinka tiirada fog iyo, maaro dananaaya.
Mishiingaanka moorada dabka, madhiya aadmiga.
Madfac lala mastaafaha, dagaal dumiya maygaaga.
Ma guur dadan masiibada dhulka, miino lagu aaso.
Mataarsiga dubaha uunka guba, miiga xanbaara.
Madanaa rasaastiyo, dhamaan malalka baaruuda.
Milatari maroodiga colkiyo, maramal gaashaaman.
Intaan gabay masaal, uga dhigeen mariyay luuqdiisa.
Ee aan madaar lagu kulmiyo, mawlac ka cadeeyay.
Malyuun iyo malyuun ka badan, maansadaan idhiye. 
Ma dadkaan micnayn karin, murtida gabaygayga maaxdiisa.
Midhihiyo af-soomaaligii, maanka laga duugay.
Ma anigaa maqaalkaan, u diray meeriska halawshay.
Labada midkay daarantahay, maanta kala sheega.

Cali Maxamuud Maxamed
Suuqa Gobonimo Hargeysa

Top


Raadyow Maqaloocshe

A.A.Garas

Halkani waa Raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka ah iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq ruugga ah .

Akhristayaashayada na soo eegayow eegadan waxaanu idinka dhergin doonaa wararkii aduunyada oo karkaraya, waxaana maanta u subki doona weriye Mr Xisbi.

ISAGII OO OODIHIISII WATA:
Ururkii ASAD la odhan jiray ayaa dharaar dhowayd la kala dilaacsaday, ka dib markii ay xisbiyada UDUB-le iyo KULAN-le kala jeexdeen sidii mijin qaad ah, qaybsigaasi markii uu dhacayey waxa la sheegay inuu u dhacay si aan cadaalad shaqo ku lahayn, dulmina u dhowayn, waxaana la sheegay in qaybsigaa loo cuskaday xeerka qaadleyda qoddobka mijinta oo qeexaya in hadii laba nin mijin loo qaybinayo uu midna doorashada leeyahay, midna leeyahay qoriga nagida, sidaa darteed UDUB-le ayaa doortay, KULAN-lena qorigii nagida ayuu qaatay.

Qori boqor ka mid ah qaybtii KULAN-le saamiga u helay ayaa qacdii horeba loo lebisay istabniga musharaxa madax-kuuska ku xiga ee dambaabidhada soo fool leh. Ninkaas oo aanay jagada kuxigeenimadu qariib ku ahayn oo horena uga soo qalin-jebiyey markii uu xisbiga kULAN-le soo hulaashay waxa uu god-dawacooyin ay ku jireen ka saaray rag dhawr ah oo kursiga kuxigeenimada ardaadhig u ahaa, nimankaa huluusha laga saaray oo dhammaantood niman muddakar ah, raganimo galbeedna lagu tuhunsanaa, iyadoo uu ragaa ku jiray nin qaayo iyo qiimi lagu sheegay oo weriyenimo ka soo qalin-jebiyey, culuun kalena ka dibiray, caqlina u sii dheeraa, balse foodku ka gaabtay.

Ninka madaxigaha oo doortay qudhiisa ayaa la sheegay inuu yahay wiil googaareed raganimo la gaabtay.

Dhinaca kalena caqaarta UDUB-le raacday oo iyana libaaxeeda wadatay ayaa la sheegay in markii hore UDUB-yahanadii ay ku biireen bahal baqe ah la yaaceen, balse markii dambe loo sheegay inuu libaaxu rabaayad yahay ee aanu dad-qaadkii la sheegayey ahayn.
Ururkan ay labada xisbi saamiga ka tuureen ayaan si gobanimo leh loo qaybsan ee ay isku filaysiiyeen UDUB-le iyo KULAN-le, waxaana meeshaa lagu qadiyey xisbigii fariidka ahaa ee BUCDA la odhan jiray, taas oo qusumkii BUCDA weli laga sugayo xisbiyada ururkii ASAD shidhaystay.

War xisbigani waxa kale oo uu intaa ku daray in ururkii Horbood la odhan jiray qudhiisa la kala saanyaday oo isagana degdeg loo kala goosan doono, lamina oga in xisbiga BUCDA qaybta lagu dari doono iyo inkale.

Ururkii SAHAN-le oo aan isaga weli sayladda xaraashka la keenin ayaan ilaa iminka la ogayn cidda calafsan doonta, iyadoo u kaambaynku soo kadlayn doonayo oo uu arinku yahay nin quwaax hela, nin qadhoon hela, nin qaad yar hela, nin urur hela, nin carmali hela iyo nin iskaba qada hala qadhafsado. 

Inkasta oo saddexda xisbi ee loolamaya ay ragga siyaasad nuugga ahi sheegayaan inay saddexdaa xisbi ee UDUB-le iyo KULAN-le iyo BUCDU kala kaarto duwan yihiin, balse waxa keliya ee ay ka siman yihiin uu yahay doonista kursiga , mana jiro mid qudha oo guul-daro qoondaystay.

Dadka Jamaahiiriyadda shankaroonta oo ku jira dhiboogii u horeeyey ee Elekshanka la sheego, iyadoo aanu dookhoodu weli gaadhin mabda’ ku naqaysiga ee uu ku kooban yahay hebel caashaq iyo tol-doonimo oo ay weli is-fuushan yihiin bahashii la odhan jiray qabyaaladda iyo bahalaha asxaabta la yidhaa oo ay dadka iskaga qasmeen, taas oo aan qabyaaladii weli la siin tigidh ay ku dhoofto, waxaana laga baqa qabaa inay bahasha qabyaaladu inagu cadhooto oo ay doorashada feedh la dhacdo oo ay Elekshanka kaga oohiso. 

Shaaruba Sheekh
Maryaweynta madaxda Carbeed ayaa toddobaadkan shir ay isku sigeen ku yeeshay magaalada Shaaruba-sheekh ee badda guduudan ku taal, shirkaas oo macnihiisu ahaa waxa ay beesha Carbeed ka damceen Maraykaanka iyo dirirta Ciraaq lala damacsan yahay iyo sidii nabad loo heli lahaa, balse raggii nabadda ka shirayey ayaa qudhoodii bahal dagaal ah isku qaad-qaaday, ka dib markii uu Amiir Cabdalaha sucuudiga iyo Qadaafiga Liibiya isku hirgiseen bahal karroox ah oo dagaal cumuruq cirka isku shareeray, iyadoo uu boqor Cabdale bahal feedh sucuudi ah uu la haabhaabtay inuu Qadaafi ku hirgiso, balse Qadaafi laftiisa ayaa bahal sabaaxad Liibiyaan ah khamiiska kaga saari gaadhay Amiir Cabdala.

Mubaarigga Masaariyada ayaa isna ku dhex-cawarmay kala qabashada labadaa nin ee isku faramushaxsaday, shirkaas oo khamiisyada la isula baxay oo uu xanaaqu hadh-beelay, wuxuuse qoddobka xayraanku ka dhashay ahaa ka dib markii uu wiilka qayuurka ah ee Qadaafi shirka ka yidhi "Eesh khiyaamanak, jundi Ameerikiya, Aladii jooga dalalkiina hunaak ciraaqul adnaan, beynal beledayni xarbul xaadir, yaa amiiral khadaama , hujuum beydkiina, wa xubal amriikiya xataa saaxibul Buushe, kamaa kafarta Beleyr, maadaa tabkuuna al-aan".

Boqor Cabdala ayaa isna yidhi "Hadaa kalaam badaal, laayajiibul faa’iido, walaa rajuula fil xarbi yaa khawal anta Amriikiya masnac adiga laftaada."

Shirkaas oo markii dambe basal la isku shiiday wuxuu ku dhamaaday kala qabashada Qadaafi iyo Amiir Cabdallah, balse guulaha kale ee shirkaasi lagu gaadhay waxa ka mid ah safiirada Sucuudiga oo ka soo cararay Liibiya iyo xanaaq cigaalka la isku shiiday.

Wadamada carabta oo ay taladoodii shir dhaafi wayday, iyadoo ururka jaamacadda Carbeed UN-ta ka hor la aasaasay ilaa iminkana waxa keliy ee uu faa’iiday ay noqotay inay lixdan saldhig askareed gaalada ka kireeyaan, horumarka ugu weyn ee ay ilaa iminka gaadheena waxay noqotay inay kala dilaalaan oo u kala dheereeyaan gantaalaha iyaga lala dhacayo iyo inay garoomo u samaystaan dayuuradaha iyaga lagu duqaynayo.

Shirkan oo ay u dhamaayeen dalalka Jaamacadda Carabta ayey ka shireen sidii Somalida loo caawin lahaa , wuxuuna shirkaasi isku raacay laba qoddob oo kala ah:

1- In xoolaha laga joojiyo oo aan waxba laga iibsan 
2- iyo in wadamada Carabta laga masaafuriyo Somalida joogta, labadaa qoddob ayaana ugu badnaa gargaarka bini-aadminimo ee ay somalida siiyeen.

Gabay
Sidii urur wasiir soo sidoo, hoosta soo geliyey.
Ama xisbi xarago tiicayoo, xaafad kale baadhay.
Wallee siyaasad googarad xidhnayd, galabta waan yaabay.
Kaambayn bigays laga dhigoo, la iscabsiinayoo.
Amase faan gidaar laga heloo, layska guranaayo.
Faataadhug ay laba qabiil, xoog ku kala qaaday.
Ama caaqil kibir baacsadoo, dhababacaynayaa.
Wuxuu birin-birqeeyaba, ka jabay jilibka xoogiisa.
Oday boodo maagaa, mar buu cago-bidhyeeyaaye.
Afartaa intaan soo xod-xoday, ma idin xaadhsiiyey.
Xashiishkii Hargeysiyo, sidii xaabo ma u tuulay.
Xisaab kale hadaan, odhan lahaa way I xidhayaane.
Sidii xisbiyo urur qaybsadoo, qolaba jeex qaadday.
Xisbigii la qadiyeen, isaga qoriba loo dhiibin.
Saw inay bakhaynimo dhacdiyo, boob la odhan maayo.
Sidii qoddob distoor sheegayoo, xeerna daba joogo.
Hadii xeelad hoosiyo, cawarid lagu xumaynaayo.
Saw distoor xanaaq, darteed xeerka dilimaayo.
Sharci lama qaloocshee, xaq baa lagu muquunshaaye.
Ilaah baa kursiga qaybiyoo, qaar-ba meel dhiga’e.
Qunyar jooga anigaa, ninkii qada hadhuudh-siine. 

Top


Kaalinta Ciyaartoyda Afrikaanka Ah Ee Ka Ciyaara Yurub

Lagos (AFP): Muuqaalka ciyaartoyda Afrikaanka ah ee ka ciyaara dhammaan wareegyada kubada cagta ee qaaradda Yurub, kuwooda ugu wanaagsan ayaanu halkan ku soo qaadan doonaa, kaalinta ay ka galeen toddobaadkan ciyaarihii kale duwannaa ee ay ka qayb-qaateen.

England: Muuqaalka ugu wanaagsanaa ee ciyaartoyda Afrikaanka ah ee halkan (England), waxa uu ahaa toddobaadkan, tartanka kooxaha darajada labaad ee kooxaha Ingiriiska ah loona yaqaan (Division One); weeraryahanka reer Nayjeeriya Yakubu Aiyegbeni, ayaa laba gool ka dhaliyay Millwall oo ay kooxdiisa Portsmouth ku guulaysatay 5-0, waxaanay hal tallaabo ugu soo dhawaatay in ay u soo gudubto wareega Premiership (darajada kooxaha ugu sareeya) sannadkan. Aiyegbeni, oo bisha November 21 jirsanaya, waxa uu dhaliyay shan gool tan iyo intii uu amaahda kaga soo wareegay kooxda Maccabi Haifa ee dalka Israa’iil bishii January ee sannadkan.

Netherlands: Ciyaartoyga da’da yar ee khadka dhexe ka ciyaara una dhashay dalka Koonfur Afrika, ayaa u dabaal-degay heshiiska cusub ee uu la galay kooxda Dutch-ka ah ee Ajax Amsterdam, kadib markii uu u dhaliyay labadii gool ee ay toddobaadkan kooxdiisa Ajax kaga badiyeen kooxda Vitesse Arnhem.

-Weeraryahanka reer Marooko, Cali Boussaboun ayaa si degdeg ah ugu dhaliyay kooxdiisa NAC Breda gool, kadib afar daqiiqadoo oo keliya markay socotay ciyaartu, laakiin kooxda Feyenoord ayaa dib ugu soo dagaalantay, kuna badisay 2-1.

France: Weeraryahanka reer Kongo, Shabani Nonda, ayaa ka dhaliya kooxda Lille laba gool daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaanu ku biiray hogaanka sare gool-dhalinta horyaalka, isagoo leh 16-gool. Sidoo kale kooxdiisa Monaco ayaa tagtay kaalinta u sareysa ee kala-horeynta kooxaha Faransiiska.

-Saddexda gool ee ka dhashay ciyaartii dhexmartay Auxerre iyo kooxda Horyaalka ah ee Lyon, ayaa lahaa taabasho ciyaartoyda Afrikaanka ah, taas oo daqiiqadii 4aad ee ciyaarta uu u dhaliyay Lyon gool ciyaartoyga ka soo jeeda dalka Benin ee Sidney Govou. Lyon ayaa hogaanka ciyaarta sii kordhisay 38 daqiiqadood kadib, waxaana u dhaliyay Pegguy Luyindula oo asal ahaan labadiisa waalid ka soo jeedaan dalka DR Congo, halka uu goolka madiga ah ee Auxerre u saxeexay ciyaartoyga Djibril Cisse oo u dhashay dalka Ivory Coast.

-Difaacyahanka u dhashay Ivory Coast, Koffi Kouassi, ayaa ciyaarta laga saaray wakhtiyadii ugu dambeeyay ciyaarta, waxaana kooxdiisa Guingamp lagaga badiyay 2-0 oo ay ku garaacday kooxda Montpellier.

-Kooxda Nice ayaa 1-1 ay ku barbaraysay Nantes, kadib markii weeraryahanka reer Aljeeriya u saxeexay Nice goolkeeda ka hor 30 daqiiqadood dhammaadkii wakhtiga ciyaarta.

Turkey: Souleymane Youla oo u dhashay dalka Guinea, ayaa u dhaliyay gool kooxda Genclerbirligi, waxaanay 2-1 kaga adkaadeen kooxda Trabzonspor, taas oo ay kaalinta saddexaad ku sii negaadeen iyagoo leh 47 dhibcood oo ay ka urursadeen 22 ciyaarood.

Top


Real Iyo Juventus Oo Hogaanka Kooxaha Dalalkooda Qabsaday

Paris (AFP): Ronaldo, ayaa markii ugu horeysay intii uu xidhay shaadhka Real Madrid u dhaliyay saddex gool oo aad u qurux badnaa ciyaar keliya, isagoo kooxdiisana u horseeday in ay kaalinta koowaad qabsato kala horeynta kooxaha Spain, halka Juventus kaalinta koowaad isku hubsatay Serie A, kadib markii ay 3-0 ku garaacday kooxda Inter Milan maalintii axadii. 

Real waxay 5-1 ugu xoog sheegteen kooxda Alaves sabtidii toddobaadkan, kadib markii Ronaldo ugu dambayn soo bandhigay ciyaarihiisii looga bartay ee ay Brazil ku hanatay koobka adduunka sannadkii ina dhaafay.

Ronaldo, waxa uu jaha-wareeriyay difaacii, waxaanu goolkiisii labaad ka dhaliyay kubad uu ka dhex saaray lugaha goolhayaha Alaves, Richard Dutruel.

"Anigu aad baan ugu faraxsanahay, laakiin kooxdu (Real Madrid) waxay haystaan fursado ay goolal badan ku dhallin karaan," ayuu yidhi ciyaartoyga reer Brazil ee Ronaldo.

Raul, ayaa dhaliyay labada gool ee kale, waxaanay isugeynta goolashiisa ka dhigayaan labadan gool 208 gool, isagoo ka dulmaray Hugo Sanchez, noqdayna ciyaartoygii afraad ee ugu goolal dhallinta badan taariikhda Real Madrid.

Real waxay hal dhibic ah ka horeysaa kooxda inta badan soo haysay hogaanka kala-horeynta kooxaha Spain ee Real Sociedad oo Axadii ay kooxda Valladolid 3-0 kaga adkaatay. Ciyaartoyga reer Uruguay, Nico Olivera, ayaa daqiiqadihii 2aad iyo 8aad u dhaliyay laba gool, halka uu Oscar daqiiqadii 21aad u dhaliyay goolka saddexaad.

Ciyaartoyga reer Argentina, Guly ee khadka dhexe uga ciyaara Inter ayaa gool kooxdiisa ku dhaliyay; gool meel dheer uu ka dhaliyay ciyaartoyga reer Czech, Pavel Nedved iyo gool saddexaad oo wakhtiyadii dambe ee ciyaarta uu dhaliyay Mauro Camoranesi, ayaa Juventus siiyay in ay hanato guul ay 3-0 kaga adkaato Inter Milan oo marti u ahayd.

Guushan Juventus ay gurigeeda ku gaadhay, wuxuu siiyay 51 dhibcood oo ay ka urursatay 23 ciyaarood, waxaanay 3 dhibcood ka horeysaa Inter Milan oo ay ciyaartan ka hor isku dhibco ahaayeen. 

Kooxda AC Milan ayaa kaalinta saddexaad ku jirta, kadib markii 3-3 ay ku barbaraysay Atalanta oo marti ugu ahayd San Siro.

Bayern Munich ayaa sii wada hogaankeedii oo ay 10 dhibcood ku hogaaminayso ciyaaraha Bundesliga ee kooxaha Jarmalka. Michael Ballack, ayaa u dhaliyay laba gool, waxaanay 2-0 kaga badiyeen kooxda Energie Cottbus sabtidii.

Ballack, waxa uu shiishka la helay goolka koowaad daqiiqadii 33aad, isagoo madaxa ku dhuftay kubad uu soo karoosay Bixente Lizarazu, halka uu daqiiqadii 58aad dhaliyay goolkiisii labaad. Tababare Hitzfeld, ayaa ugu yeedhay Ballack inuu yahay "Xidiga maalintaa."

Kooxda kaalinta labaad ku jirta tartanka Bundesliga ee Borussia Dortmund ayaa gurigeeda 2-0 kaga adkaatay kooxda kaalmaha dhexe kaga jirta kala horeynta kooxaha Jarmalka ee Hansa Rostock.

Monaco ayaa kaalinta ugu sareysa ku fadhiisatay tartanka kooxaha Faransiiska sabtidii, kadib markii ay 3-1 kaga guulaysatay kooxda Lille, halka Kooxda Marseille barbardhac aan wax goolal ah laysku dhalin kula gashay kooxda Strasbourg.

Monaco iyo Marseille, ayaa mid waliba leedahay 52 dhibcood, laakiin kooxda uu tababaraha u yahay Didier Deschamps ee Monaco ayaa faraqa goolasha kaga hormartay kooxda koonfurta dalkaas ka socota.

Top


Ortega Oo Dib Ugu Soo Laabanaya River Plate

Nunez (SW): Isu-duwaha kubada cagta ee kooxda River Plate, Hernan Diaz, ayaa sheegay in dib ugu soo noqoshada kooxda ee Ariel Ortega oo ka soo noqonaya Nunez, in ay aad ugu dhawdahay inay dhacdo, waxaanu ku daray in Ortega yahay "Ciyaartoyga adduunka ugu wanaagsan."

Diaz, waxa uu xusay in gudoomiyaha River Plate, Jose Maria Aguilar uu safar ku tegi doono dalka Turkiga Jimcaha, isagoo isku dayaya inuu si wanaaga u soo dhameeyo wada-hadalka u dhexeeya maamulka kooxda Fenerbahce, waxaanu yidhi Diaz: Fursadaha Ortega ee ku soo noqoshada kooxda River aad ayaa loo xiisaynayaa." Waxaanu intaa ku daray Diaz "Saacadihii ugu dambeeyay wada-hadalku waxa uu marayay jihadii loogu talo-galay."

Waxa kale oo uu yidhi isu-duwuhu; "Safarka uu Aguilar ku tagayo Turkiga, macnihii waxa uu yahay in Ortega mar labaad u ciyaari karayo River. Dib ugu soo noqoshada Ortega ee kooxda River waa mid aad ugu muhiim ah kooxda, waxaanan hubaa in aanu dhammayn doono mushkiladda aanu wakhtigan ku jirto, taas oo ah in kooxdu si wanaagsan u ciyaarayso, balse aanay natiijooyin fiican lahayn."

"Aniga fikradayda, Ortega waa ciyaartoyga adduunka ugu wanaagsan," ayuu yidhi Isu-duwe Diaz.

Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in Ortega ugu dambayntii mar labaad u ciyaari doono kooxda River Plate ee dalka Argentina, waan mid suurta-gal ah, waayo? Kooxdan Argentina ee River, waxay bixin doontaa hal milyan oo doollar oo amaah ah muddo sannad iyo badh ah.

Top