Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 282 March 5, 2003

Maamulaha Cusub Ee Kastamka Kala-Baydh Oo Xilkii La Wareegay

"Laba Hal Mid Uun Bay Noqon, Inaanu Noqono Garab Mucaarad Ah Oo Xisbiga KULMIYE Dhexdiisa Ka Dagaal-Gala Iyo Inaanu..."

"Aad Baanu Uga Soo Horjeednaa In Guddi Madaxweynuhu Magacaabay Ay Soo Xulaan Guurtida"

Xisbiga KULMIYE Oo Si Ba’an U Cambaareeyay Warbaahinta Dawladda

Iiraan oo soo jeedisay hindise lagu baajinayo weerarka ciraaq

Sadaam xuseen oo shacbigiisa ugu baaqay dagaal

30 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Filibiin

IRMAANTA SUUGAANTA

Garba-Diiri Nin Daguugan Maweydo

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Dhaqan : Maanso

Cali Aareeye Oo Saaxibadii Jeelka Ku Ilaaween

Dil-Dilaacii UbaxaIyo Kacaankii Dhergiga

Waadiga Ciyaaraha

Dublin Oo Raali-Gelin Ka Bixiyay Ficil-Xumadiisii Lagaga Saaray Ciyaarta

Al-Rayan 1-0 Kaga Badisay Kooxda Al-Sad Oo Romario Markii Ugu Horeysay U Saftay


Maamulaha Cusub Ee Kastamka Kala-Baydh Oo Xilkii La Wareegay

Kalabaydh (Haatuf): Maamulaha cusub ee loo magacaabay kastamka Kala-baydh Cumar Xasan Caalin ayaa maalintii shalay xilka kala wareegay maamulihii hore ee kastamka Kalabaydh Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagoole).

Sida uu kusoo waramay weriye Craxmaan Casaan oo Haatuf uga soo warama Berbera oo socdaal hawleed ku tegay Kala-baydh, munaasibadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Kastamka Kalabaydh waxa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socota degmada Gebilay, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen madax ka tirsan agaasinka wasaaradda maaliyadda oo kala ah Maxamed Cabdi Aadan Maxamuud, ugu horayna waxa munaasibadaasi ka hadlay maamulihii hore ee kastamka Kalabaydh, Cali Dhagoole, isaga oo ka warramay wax-qabadkii kastamka Kalabaydh iyo marxaladda uu haatan marayo, isaga oo aad ugu mahad-naqay shaqaalaha kastamkaasi sidii fiicnayd ee ay ula soo shaqeeyeen.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay maamulaha cusub ee kastamka Kalabaydh Cumar Xasan Caalin, isagoo u mahad-naqay sida loogu soo dhoweeyay kastamka, waxaanu sheegay inuu sii wadi doono horumarinta kastamkaasi.

Isku-beddelkan maamulka Kastamka Kalabaydh, waxa ay qayb ka tahay isku-beddel lagu sameeyay waaxda kastamada ee wasaaradda maaliyadda dhawaan.

Top


"Laba Hal Mid Uun Bay Noqon, Inaanu Noqono Garab Mucaarad Ah Oo Xisbiga KULMIYE Dhexdiisa Ka Dagaal-Gala Iyo Inaanu..."

Cabdi Xasan Buuni -- Waraysi

Hargeysa (Haatuf) Siyaasiga Cabdi Xasan Buuni oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, kana mid ahaa xubnihii isu taagay musharnimada madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE, laakiin aan doorashadii golaha dhexe ku soo bixin ayaa shalay markale ku celiyay inaanu wali ku qanacsanayn qaabkii loo maamulay doorashadii musharaxiinta, sidaa darteedna uu weli dacwad ka qabo arrintaa, wuxuuna qiray inuu jiro waxoogaa khilaaf oo arrintaa ku saabsan oo hadda ka dhex taagan xisbiga KULMIYE.

Cabdi Xasan Buuni waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay TV-ga madaxa banaan xaruntiisa Hargeysa, wuxuuna sheegay inuu arrintaa dacwad ka sito, isla markaana ay socdaan wada hadalo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa wax tirsigooda, laakiin Cabdi Xasan Buuni waxa uu meesha ka saaray warar dhawrkii maalmood ee u dambeeyay la isla dhexmarayay oo sheegayay in isaga iyo xubnaha weheliyaa ay xisbiga KULMIYE ka baxayaan, balse wuxuu sheegay in xisbiga KULMIYE wax weyn ugu fadhiyo oo aanu hawl yaridaa kaga baxayn.

Cabdi Xasan waxa uu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Laga soo bilaabo 25-kii bishii February oo ahayd maalintii la dooranayay musharaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka KULMIYE waxa jiray hadalo gudaha wadanka iyo dibadiisaba ku baahsanaa oo odhanayay KULMIYE wuu kala jabay iyo waa la is-haystaa, balse maanta waxaan doonayaa taageerayaashayada xisbiga KULMIYE meel kasta oo ay joogaan inay wax ka ogaadaan waxyaalaha socda ee aanay war rasmiya ka helin oo aan halkan uga tabiyo", laakiin Cabdi Xasan Buuni isaga oo ka waramaya sida wax u jiraan wuxuu yidhi "Waa run in xisbiga KULMIYE khilaaf soo dhexgalay, khilaafkaas oo maanta u eg inuu xisbigu saddex qaybood kala noqday, kuwaas oo kala ah, KULMIYihii hore oo laba qaybood ah iyo Kulmiyihii cusbaa ee ASAD oo aan iyagana garab ku sheegi karo, laakiin eedaha la saarayo ASAD anigu ma saarayo waayo ASAD waxay ahaayeen ururadii dhacay oo xaq bay u lahaayeen inay ku wareegaan saddexdii xisbi ee soo baxay, markaa haddii ay iyagu ragganimadooda iyo nasiibkooda muddo yar oo gaaban oo 24 saacadood ah ku heleen musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga, taas oo laga yaabo inay ka mid ahayd shuruudihii ay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE la galeen, ta kale C/Raxmaan Aw Cali iyo aniga ma jiraan wax xumaan ah oo naga dhexeeyaa oo weliba marka sida soomaalida loo eego tol ah, horena wanaag nooga dhexeeyay markaa ma jirto waxaan isaga u haystaa, isla markaana doorashadii musharaxa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka si kastaba ha u dhacdee maanta hadal ka taagani ma jiro, laakiin waxa hadal ka taagan yahay sidii ay doorashadu u dhacday, taas oo haddii aanu nahay garabkayagan KULMIYE ee maanta mucaaradka ku ah garabka kale ee gudoomiyuhu madaxda u yahay aanu wax wayn ka tirsanayno balse cabashadayadii waxaanu u gudbinay xisbiga, welina wada hadalkii wuu noo socdaa, oo wax islamaanu gaadhin."

Cabdi Xasan Buuni isaga oo ka hadlaya qiimaha uu ugu fadhiyo xisbiga KULMIYE ee uu ka tirsanyahay iyo waxa uu mawqifkiisu hadda yahay wuxuu yidhi "Xisbigani wuxuu ahaa xisbi qiimo nagu leh oo aanu u soo halganay, isla markaana aanay ahayn inaanu si sahlan uga dhaqaaqno ama u burburino, taas ayaa na dhaxalsiisay inuu hadalku nala sii socdo oo maanta nala soo gaadho, sidaa darteed dadweynaha taageerayaashayada ah waxaanu u sheegaynaa in marka ugu horeysa hadalkii noo socdo, waxaase laga yaabaa 48-ka saacadood ee soo socdo in si kastaba ha u dhacdee ay dhamaato, soomaaliduna waxay tidhaahdaa gari laba nin kama wada qosliso, arrintuna laba hal mid uunbay noqon, inuu garabkayagu go’aansado inuu noqdo garab mucaarad ah oo xisbiga KULMIYE dhexdiisa ka dagaal gala iyo inaanu si kale u tashano, labadaas ayuunbay noo taagantahay, Ilaahay idankiina sida noo roon ama dan u ah dadkan iyo dalkan inuu Ilaahay na garansiiyo ayaanu ka rajaynaynaa, laakiin haddii aan qodobeeyo waxaanu taageerayaashayada u sheegaynaa inaanaan waxba ka tirsanayn qolyaha ASAD ee KULMIYE ku soo wareegtay, ninka musharaxa madaxweyne ku xigeenka loo doortayna aanay jirin cadaawad aan qof ahaan iyo guud ahaanba u haynaa, laakiin cidda kaliya ee aanu haysanaa waxa weeye gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Siilaanyo oo aanu u tirinayno eeda inteeda badan, waxaanuna taageerayaashayada ugu balan qaadaynaa inaanu la socodsiino hadba xaalku halkuu marayo."

Top


"Aad Baanu Uga Soo Horjeednaa In Guddi Madaxweynuhu Magacaabay Ay Soo Xulaan Guurtida"

Somaliland Forum --- War-Saxaafadeed

Hargeysa (Haatuf): Ururka Somaliland Forum ayaa cadeeyay inay kasoo horjeedaan in guddi uu magacaabay madaxweynuhu inay soo xulaan golaha guurtida sida uu dhigayo mashruuc xeer oo uu madaxweynuhu dhawaan soo hordhigay golaha baarlamaanka. Waxayse intaa ku dareen talooyin ay kasoo jeediyeen habka lagu dooranayo xubnaha guurtida.

Waxaanay sidaa ku sheegeen dhambaal qoraal ah oo ay nasoo gaadhsiiyeen Somaliland Forum, isaga oo dhammaystirana wuxuu u qornaa sidan:

Ku: Golayaasaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Gudiga Sharciyadda ee Golaha Wakiiladda 
Ka: Ururka Somaliland Forum 
Sumad: SLF/EC-17-02/03 Taariikh: 03.03.2003 

UJEEDO: MASHRUUCA XEERKA DOORASHOOYINKA GOLAHA GURTIDA 

1. Salaanta islaamka ka bacdi, waxa na soo gaadhay Mushruuca Xeerka Doorashooyinka Golaha Guurtida oo Dawladda Dhexe ay dhowaan hordhigtay Baarlamaaanka, hadana aanu maqalnay in Gudiga Sharciyadda ee Golaha Wakiiladu darsayso inta aanu Goluhu ka baaraandagin. 

2. Xeerkani waa mid muhiim ah oo ku saabsan Qaybta 2aad ee Xeerdejinta. Inkastoo waqtigii Xilku ka dhammaanayo Golaha Guurtida dhawaan, haddana nalama aha in lagu deg dego Mushruucan Xeerka ee Dawladdu soo jeedisay, oo aanu qabno inuu yahay mid aad u qabyo ah. Tan kale, Mushruucani wuxuu soo jeedinayaa meelo u baahan in distruurka wax laga beddelo. Wax-ka-beddelka distuurku waxay u baahantahay dariiq gaar ah oo ku saleysan Qodobka 126aad ee Distuurka, waxaana nala toosan mar haddii wax-ka-beddel lasoo jeedinayo, in taas aynu sameyno waqti aan cidhiidhi ahayn oo meelo badan oo mad-madow ku jiraa Distuurka la eegi karo, isku mar. 

3. Anagoo Xeerkan ka faalooneyna, waxay nala tahay sidan hoos ku qoran. 

3.1 Habka Doorashada Golaha Guurtida 
Waanu raacsanahay in waqtigan kala guurka ah doorashada Guurtidu ay weli kusii dhisnaato hab-beeleedka Guurtidan lagu soo xushay Shirweynihi Hargeisa, saldhigeeduna uu ahaa Qodobka 10aad ee Axdigii Qaranka (1993). 

Hase yeeshee, waanu aragnaa in Qodobka 58(1)aad ee Distuurka Qaranku uu dhigayo in xubnaha Golaha Guurtida "lagu soo dooranayaa doorasho, habka doorashadana waxa nidaaminaya Xeer". Doorashoyinkii waa dhowr nooc; midi waa toos (direct) midina waa mid aan toos ahayn (indirect). Tan tooska ahi waa ta dadweynuhu cod ka dhiibtan, tan kale waa ta dad ay dadweynuhu soo doorteen amma soo xusheen iyagu ay markaas soo doortaan cid kale. Waxay nalatahay, mar haddii aynaan hadda hayn waqti aynu si balaadhan u beddelno Distuurka, in Xeerka nidaaminaya doorashada Guurtida uu caddeeyo in habka doorashadu uu ahaanayo mid aan toos ahayn. 

1.2 Cidda Xulaysa Xubnaha Golaha Guurtida 
Aad iyo aad baanu uga soo horjeednaa qodobka Mushruucan Xeer ee ku saabsan Guddi uu magacaabo Madaxweynuhu oo iyagu markaas soo xusha xubnaha Guurtida. Nidaamka Dawladda ee Distuurkeenu ku dhisan yahay waa mid ku dhisan qaabka Madaxweynenimadda (Presidential) oo maaha mid ku dhisan qaabka Baarlamanka (Parliamentary). Kala xadeynta sadexda waaxood ee dawladda (Xeerdejinta, Garsoorka iyo Fulinta) waa mabda' qoto dheer oo Distuurkeena iyo kuwa casriga (ee gaar ahaan Madaxweynenimada ku salayasani) aad iyo aad u dhowraan. Sababtu waxa weeye, wax kastaa waa inay xor tan kale ka ahaataa, si aan awoodaha dawladda aan waax kaliyi u wada urursan, oo aanay iman keli-tashi-nimmo, taasoo dimuqraadinimadana baabi'neysa. 
Aaraarta Distuurkeena waxa ku xusan mabda'a "isu-dheellitirnaanta awoodaha dawladnimo oo u qaybsanta Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka". 

Qodobka 37(1)aad ee Distuurku taas wuu sii adkeynayaa oo wuxuu sheegaya in "kala xadeynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Distuurku dhigayo. Waax waliba awooda Distuurka u gaar yeelay way u madax bannaan tahay". In kastoo qodobadaasi ay ka hadlayaan awoodaha, hadana caalamka oo dhan waa laga aqbalsanyahay in haddii waax dawladeed ay lug weyn ku leedahay doorashadda amma magacaabista xubnaha waax kale, in ay awoodahooduna isku milmayaan oo aan si cad loo kala xadeyn karin. Waa run in labo waaxood (Fulinta {Madaxweynaha} iyo Xeerdejintu) ay ku lug leeyihiin magacaabista iyo xaqiijinta Xubnaha sare ee Garsoorka (mar haddi kuwaas aan la dooraneyn). Taasi waa caadi oo waxa caadiyan raacsan mar haddii Garsoore la magacabo in aan la eryi Karin (isagoo anshax xumo keena mooye).

Laakin ma aha caadi in Waaxda Fulintu ay qayb ka qaadato doorashada amma xulista waaxda xeerdejinta, gaar ahaan wadamadda, distuurkoodo ku dhisanyahay Madaweynenimmada. In kastoo Mashruucan Xeer uu dhigayo in Guddi uu Madaxweynuhu magacaabay ay xulista Waxdan Xeedejinata sameyndoonaan, isaga uun baa ku lug leh meeshii oo si aan toos ahayn buu u soo xulanaya xubnaha. Anaga waxay nalatahay taasi waa mid lid ku ah Distuurkeena, iyo kala xadeynta iyo madaxbanaanidda saddexda waaxyood ee dawladda. 

1.3 Shuruucda Qofka loo soo xulayo Xubin Gole Guurti Shuruucda qofka loo soo dooranayo xubinimadda Gurtida waxay hadda ku cadyihiin Qodobka 59aad iyo Qodobka 41aad ee Distuurka, mana aragno, hadda sabab inagu kalifta in Distuurka la bedello. 

4. Habka qaybsiga Kuraasta Golaha Guurtida 
4.1 Waxa aanu raacsanahay soojeedinta ah in xiligan la galayo doorkii labaad ee distuuriga ah, kuraasta Golaha Guurtidu lagu qaybsado Qaab Saamiyeedka uu Goluhu hadda ku salaysan yahay iyadoo beelaha laga soo xuli doono tirada hadda kaga jirta Golaha. Doorashooyin badan ayeynu sannadkan ku jirnaa, xisbiyaddiina weli waa curdin; markaas hadda bal aynu sii hayno qaabka Golahan uu ku dhisanyahay oo ah kii inoo keenay xasiloonida iyo nabadda. Waddamo Afrikan ah oo Yugaandha ka mid tahay ayaa aad u eegaya sidii madax dhaqmeedkoodu uga qaybgeli lahayeen dhismaha dawladda, markaas yeynaan ku deg degin in aynu Golahan Guurtida usoo doorano sida kan Wakiiladda. 

1.4 Hase yeeshe, sidaanu hoos ku qeexayno, waxaanu soo jeedineyna in sannadahan soo socda arrintan aad looga wada hadlo oo la eego sidii aynu wax uga bedelli lahayn qaabkan doorashooyinka Guurtida inagu soo beegan ee 2008. 

5. Muddada Xilka Golaha 
5.1 Mashruucan Xeer wuxu soo jeedinaya in haddii Golaha Wakiiladda loo kordhiyo muddada xilka, Guurtiduna ay dawaali u helaan kordhis taas la mid ah. Nooma dhadhamin soo jeedintani. Marka hore, arrintani maaha mid Xeer lagu soo fulin karo ee waa mid u baahan wax-ka-bedel Qodobka 85(2)aad ee Distuurka. Tan kale, sida ku qoran Qodobka 42(3)aad ee Distuurka, kordhinta muddada xilka Wakiilada waxa awood u leh Golaha Gurtida oo keliya: "haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydu duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaaneyso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub". Markaas, mar haddii kordhinto ay ku xidhantahay dhacdadda "duruufo adag", maxaa inagu kalifaya in Guurtidu ay iyana kordhin taa la mid ah helaan? Miyaanay dhici Karin in "duruufuha adag" ay dhammaadaan inta aan lasoo gaadhin doorashada Guurtida? Tan kale, miyay hagaagsantahay in Guurtidu ay iyaga oo kale isu kordhiyaan muddadooda? Sababahaas oo dhan awgeed, ma raacsanin soo jeedintan, waxa aanu kaloo qabnaa in marka Disruurka dib loo eegayo in arrintan kordhinta la beddalo oo haddii aynu weli u baahanahay la cadeeyo "duruufaha gaarka" ee kordhin keeni kara labadda Gole midkood, awoodana la siiyo labada Gole oo ku ansixinkara kordhinta aqlabiyad saddex dalool, laba dalool xubnahooda oo dhan. 

5.2 Intaasi waa faalada Mushruuca Xeerka. Waxaanu ku dareynaa aara'dan ku saabsan sidii ay doorashada aan tooska aheyn ee Guurtidu u dhici karto, una maleynmeyno in arrimahan aanu soo jeediney ay u bahanyihiin bedellaadda Distuurka oo qaadaneysa muddo dheer. 

6. Doorashada Guurtida 
6.1 Hore waxaanu usoo jeedinay in qaabka doorashada guurtidu u dhacayaan noqdaan qaab aan toos ahayn (indirect elections). Sidaas darteed, waxa aanu qabnaa in doorashadaas aanay sameyn Guddi, laakin ay sameeyaan Ergo Doorasho (Electoral College). Ergadaas oo Xeerka Doorashada Guurtida lagu soo daro waxay ka koobnaanayaan: a) Dhamaan Gudoomiyaasha (Duqayadda) Degmooyinka ee dhawaan lasoo doortay oo tiradoodo tahay 23 (marka lagu daro degmooyinka aanay ka dhicin doorashoyinku, oo ay nala tahay in Guddoomiyaasha hadda xilkaas rasmiyan u haya lagu daro ergada); iyo b) 30 madax dhaqameed oo si rasmi ah ay usoo xusheen madax dhaqameedadda Beelaha Somaliland oo dhan. 

6.2 Qaybta hore ee Ergadan waxa soo doortay dadweynaha Somaliland, oo waa Guddoomiyayaasha Degmoyinka; qaybta labaadna waxa soo xushay madax-dhaqameed ay dadweynaha Somaliland soo xusheen. Isku-soo-duubkii ergadaasi waxay ku salaysantahay hab-diimuqraadinimo. 

6.3 Shirarka Ergada Doorashada iyo isugu yeedhisteeda waxa haboon in loo xil saaro Kommishanka Doorashooyinka Qaranka si ay uga madax banaanaato Xukuumadda iyo Waaxda Xeerdejintaba. Haddii aanay Kommishanku waqtigan awood u lahayn in ay gacan ku qabato arrintan; waxaanu soo jeedineynaa in Madaxweynaha iyo labada Gole ay magacaabaan Guddi Xoghayn (Secretariat) oo madax bannaan, oo Ergada hawlaha la qabata, hoosna timaada Kommishanka Doorashooyinka Qaranka. 

6.4 Kommishanka ama Gudiga Xoghaynta ayaa loo xil saarayaa qabanqaabinta shirarka Madax dhaqmeedyadu ku dooranayaan qaybtooda Ergada iyo shirarka Ergada qudheeda. Xeerku waa in uu cadeeyaa habka iyo muddada ay Xubnaha Ergadu shakhsi ahaan ama goos goos ahaan u soo jeedinayaan dadka ay la tahay in ay istaahilaan xubinnimadda Guurtida, iyagoo mar kasta eegaya saamiyada Beelaha. Kommishanka/Gudigu waxay hubinayaan shirka Doorashadda ka hor in xubin kasta oo ka mid ah xubnaha Ergadu ay soo magacaabeen ay buuxinayso shuruucda Distuurka ku qoran, liiskana waxaa lagu afjarayaa shirweynaha Ergada, oo sidii caadadu ahayd, wada tashi iyo saamiyada beelaha oo dhan lagu dhameynayo. 

6.5 Muddada ay Ergadu hawsha ku jirto waa in gunno iyo kharash loogu tala galaa. Marka ay liiska kama dambeynta ah soo saaraan, waa in loo Gudbiyaa Maxkammadda Sare oo hubineysa in Xeerka iyo Distuurka la raacay, taasoo go'aan kama dambeys ahna ka gaadhaysa wixii cabasho ah ee kasoo baxa Ergadda, kuna dhawaaqeysa natiijada. 

7. Mudadda Golaha Guurtida 
7.1 Aad ayaanu u fahansanahay in haddii la gudogalo arrintani waqti qaadaneyso. Marka hore, waa in Xeerkan la dhammeeyaa oo labada Gole iyo Madexwynuhu ay ansixiyaan; kadibna, Kommishanka/Guddigu waa in ay suurta geliyaan oo ay dhameyaan soo xulista Ergooyinka Madax Dhaqmeedku soo doorteen. Sidaas darteed, waxa aanu cid kasta oo arrintani khuseyso ku adkeyneynaa in la dedejiyo gudo-galka hawlahan. Hase yeeshe, si looga taxadirnaado mudda Guurtidan oo dhamaaneysa dhowr bilood dabedeed, waxaanu soo jeedinaynaa arrimahan hoos ku qoran, oo hirgelayaa haddi aan la dhameyn doorashada Guurtida cusub ka hor inta aanay muddadda xilka Golahan ka dhamaan. 

7.2 Haddii muddada Guurtidan ay dhamaato ka hor doorashada kan cusub, iyadoo bedelaad Distuurka lagu sameeyo mooyane; si kale oo logu kordhin kara mudadda ma jirto. In kastoo aynu wada jecelnahay in aanay dhicin waqti aan Golaha oo dhammi aanu dhisneyn, hadana mar haddii Golayaashu ay dhameeyaan Xeerkan Doorashada Guurtida, muddo yar oo aan ka badnayn 2 bilood wax dhibaato inoo keeni mayso haddii aynu sii haysano Guddoominta Golaha Guurtida iyo xubnaha Guddi Joogtada ah ee Guurtida oo 25 xubnood ah. 

Golayaashu waa inay si deg deg ah uga fiirsadaan sidii tan loo sameyn lahaa oo ku xidhan haddi ay duurufahan gaarka ahi ay dhacaan. Way adagtahay in arrintan lagu daro Xeerka Doorashada, maadaama ay ku saabsantahay arrin Distuurka ku jirta. Sidaas darteed, waxaanu soo jeedineyna in Golaha Wakiiladdu si deg deg ah isugu raacaan (sadex meelood, meel), (amma Madaxweynuhu uu soojeediyo) beddelaad kooban oo sababaysan oo Qodobka 58aad ee muddada Xilka Guurtida ku daraya faqrad 3aad oo odhaneysa: 

"Haddii doorashada ugu horeysa ee Xubnaha Golaha Guurti ay dhici kari waydo marka mudadda 6 sano ay ka dhammaato, Gudoomiyaha Golaha iyo ku-xigeenkiisa iyo Gudida Joogtada ah ee ku xusan Qodobka 60aad, faqradda 1aad ee Distuurka iyo xubno sharafka ku xusan Qodobka 60aad, faqradda 2aad, way sii wadayaan hawshooda qaran iyo xubinimmada Golaha illaa inta Golaha cusub la dooranayo oo fadhigooda ugu horeeysa ay qabsanyaan. Marka laga reebo xubno sharafka,haddii xubnaha kale ee faqraddan ku xusan ay ku soo guuleysan waayaan doorashadda Gurtida cusub, muddada xilkoodu wuxuu dhamaanaya habeenka ka horeeya fadhiga ugu horeeya ee Golaha Cusub".

7.3 Bedellaadani markaas way dhaqan geli kartaa haddii, laba bilood dabadeed, labada Goleba ay ku ansixiyaan aqlabiyad saddex meelood-laba (Qodobka 126aad ee Distuurka). Bedelaadani waa mid aad u kooban oo labada Gole isku raaci karaan. Waqtigan cidhiidhiga ah, nooma muuqato in beddelaado intaas ka fara badan laysku raaci karo.

SOMALILAND FORUM http://www.somalilandforum.com 
Wixii faah-faahin la xidhiidh: Dahir A. Jama, Chairman - chair@somalilandforum.com 
Ahmed H. Ismail, Vice-Chair - vice@somalilandforum.com 
Omer A Hassan : EC Member - xubin@somalilandforum.com

Top


Xisbiga KULMIYE Oo Si Ba’an U Cambaareeyay Warbaahinta Dawladda

"Waxa Cadaatay In Maandeeq Iyo Raadyow Hargeisa Ay Dawladda Iyo UDUB U Adeegsanayaan Ladagaalanka Xisbiyada Mucaaradka Ah" Maxamed Iid Dhimbiil

Hargeysa (Haatuf) Afhayeen u hadlay xisbiga KULMIYE oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Iid Dhimbiil ayaa si ba’an u cambaareeyay warbaahinta dawladda somalialnd (Maandeeq iyo Radio Hargeysa), wuxuuna sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo shalay ku qabtay magaalada Hargeysa.

Xisbiga KULMIYE oo hadda ah xisbiga ugu wayn mucaaradka waxa uu cabasho kulul ka bixiyay warbaahinta dawladda oo ay ku tilmaameen inay dhexdhexaadnimada saxaafadda aad uga fogyihiin, isla markaana ay dawladda iyo xisbigeeda UDUB u adeegsanayaan dagaal ay kula jiraan xisbiyada mucaaradka.

Afhayeenka u hadlay xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in barnaamijyada dawladda iyo xisbigeeda UDUB laga baahiyo warbaahinta dawladda, laakiin laga horjoogsado wararka iyo barnaamijyada xisbiyada mucaaradka ah iyo in sidoo kale ay warbaahinta dawladdu weerar ku hayso xisbiyada mucaaradka ah.

Afhayeenka KULMIYE, Maxamed Iid Dhimbiil waxa uu yidhi, " Shirkan jaraa’id waxaan u qabtay inaan ka hadlo oo ummadda u sheego dagaalka ay dawladdu ku hayso xisbiyada Mucaaradka ah, iyadoo adeegsanaysa wixii umadda ka dhexeeyay", laakiin Maxamed Iid isaga oo si gaar ah uga hadlaya warbaahinta dawladda wuxuu yidhi, "Jariiradda Maandeeq iyo Idaacadda Radio Hargeysa oo ah meelaha ummadda u dhexeeya waxa cadaatay in waxa dawladdu doonayso mooyee aan wax kale laga baahin karin, tusaale ahaan jariiradda Maandeeq waxay maanta (Shalay) qortay war aan sal iyo raad lahayn oo ku saabsan xisbiga KULMIYE, taas oo ay tidhi xisbiga KULMIYE waxa ka baxay 60 xubnood oo golaha dhexe ah, taasna waxba kama jiraan, laakiin Maandeeq iyo Radio Hargeysa wixii ay dawladda iyo UDUB doonayaan waxa loo buun buuniyaa si cajiib ah, xisbiyada kalena waxooda haba yaraatee lama soo hadal qaado, taas oo wararka ay weriyayaashu soo qabtaan ee Maandeeq iyo Radio Hargeysa lagu sameeyo faaf reeb tusaale ahaan shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE warbixintii uu gudoomiyaha xisbigu ka jeediyay oo uu dhinacyo badan kaga hadlay warbaahinta dawladda wax yarna lagama sii dayn".

Afhayeenka KULMIYE waxa kale oo uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay xubno sheegay inay ka baxeen xisbiga KULMIYE iyo waliba guux aan wali soo shaac bixin oo ka dhex taagan xisbiga KULMIYE wuxuuna yidhi "Way jiraan xubno si shakhsi ah xisbiga uga baxay, sida M/Rashiid Sh. Xasan iyo Faysal X. Jaamac, labadaas nin oo runtii ah niman mudan, anaguna aanu jeclayn inay nala shaqeeyaan, balse haddii ay si shakhsi ah xisbiga uga baxeen wax dhibaato ah uma aragno, laakiin masalan Faysal X. Jaamac oo kale shirweynihii xisbiga ka dib ma iman xisbiga, balse nasiib darro haddii uu walaalkay Faysal jeclaystay in isaga oo sariirta jiifa (Xanuunsanaya) uu isbedelada xisbiga ka dhacaya uu isagu go’aanka kama dambaysta ah ka gaadho taas maan jeclaysan. Sidoo kale walaalkay M/Rashiid intii aanu foodku dhicin ayaa la waydiiyay inuu ku kalsoonaan doono natiijada, taasna wuxuu sheegay inuu ku kalsoonyahay, balse haddii uu xisbiga ka baxay wax dhibaato ah uma aragno, oo dimuqraadiyaday ka mid tahay".

Dhinaca kalena afhayeenka KULMIYE waxa uu hogaanka sare ee UDUB ku eedeeyay inay awoodii dawladda iyaga oo UDUB ah isticmaalayaan, isla markaana iyaga oo UDUB ah ay ururada ku soo biiraya kula gorgortamayaan inay xilalka dawladda wax ka siinayaan, isagoo taa ka hadlayana wuxuu yidhi "Awooda dawladda ayay UDUB ku gorgortamaysaa, waayo tusaale ahaan xubnaha ASAD ee ku biiray UDUB, waxay kula gorgortamaysaa inay siinayso kuraas wasiiro ah, taas oo ay leeyihiin anagoo UDUB ah ayaa idinla gorgortamayna, mana aha sidaa ee waxay ahayd in xisbi iyo xisbi loo gorgortamo, laakiin hadda waxa weeye UDUB oo awoodii dawladda ku gorgortamaysa."

Afhayeenku waxa kale oo uu tibaax ka bixiyay sawaxanka xisbiga dhexdiisa ka taagan ee ka dhashay doorashadii musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE oo ay dhawr nin isku soo taageen, laakiin ay xubnihii ku guulaysan waayay qaarkood wali cabasho la taaganyihiin, iyaga oo ku andacoonaya inay wax ka tirsadeen, cadaaladii lagu maamulay doorashada musharaxiinta, raggaana waxaa ka mid ah Cabdi Xasan Buuni oo hadda ah ninka ugu daran ee ilaa hadda samri la.’

Top


Iiraan oo soo jeedisay hindise lagu baajinayo weerarka ciraaq

Tehran (W.Wararka) - Dawladda Iiraan ayaa maalintii shalay soo bandhigtay hindise ay ujeedadiisu tahay in lagu baajiyo weerar lagu qaado Ciraaq iyo in lagu hagaajiyo nabad ka islaaxinta gudaha Ciraaq, iyadoo Gaashaanka ku dhufatay, isla markaana hindisaha kasoo yeedhay dawladda Imaaraadka Carabta ee ku baaqayay in Sadaam Xuseen uu Xukunka ka dego, isla markaana la siiyo magan-gelyo xagga siyaasadda ah.

Sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibedda ee Iiraan, Kamaal Kharaasi oo arrintan ka hadlayay, Dawladda Iiraan waxa ay danaynaysaa xasilloonida iyo nabadgelyada dalka Ciraaq iyo shacbiga reer Ciraaq uu doorto dawladdiisa uu doonayo, taas oo ku imanaysa afti laga qaado dadka reer Ciraaq, iyadoo ay goob-joog ka tahay Q. Midoobay iyo in wadahadallo nabadeed ay dhexmaraan Dawladda iyo mucaaradka Ciraaq, si looga badbaado dagaal lagu qaado dalkaasi, isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay mucaaradka oo ka qaybqaata Xukunka.

Waxaa uu ku tilmaamay hindisahan isagoo hadalkiisa sii wata mid ka badbaadinaya mandaqadda oo dhan dagaal ka dhaca mandaqaddaas iyo in si nabadgelyo ah loo beddelo Xukunka ka jira Ciraaq, isla markaana lagu baajin karo dagaal dhaca, waxaanu tusaale u soo qaatay Kamaal Kharaasi dawlado hore oo arrintani ay u horseeday nabadgelyo iyo degenaansho sida dalka Tajikistan.

Isagoo ka hadlayay fursadda uu hindisahani leeyahay, waxa uu sheegay in ay arrintan u soo bandhigayaan dawlado kale oo kala qaybqaata si looga qaybqaato fulinta iyo meel-marinta hindisahan, isagoo ugu baaqay maamulayaasha Ciraaq inay qaataan hindisahan oo ay ka dhigtaan mid dan u ah.

Dawladda Iiraan oo ay cadaawadi ka dhaxaysay Ciraaq waxa ay u muuqataa mid dhexdhexaad ah oo guul lagaga gaadhi karo xiisadda Ciraaq, laakiin Kamaal Kharaasi waxa uu shardi uga dhigay geesinimo iyo dhiiranaan ay la yimaadaan mas’uuliyiinta sare ee Ciraaq, balse ma cada sida guul looga gaadhi karo gudaha Ciraaq oo maamulayaashiisu ay Xukunka si adag gacanta ugu hayaan, waxa kaloo taa caqabad ku ah Dawladda Iiraan oo gacan weyn siisa mucaaradka ku kacsan Dawladda Ciraaq oo qaar badanoo ka mid ahi ay deggan yihiin gudaha Ciraaq.

Dawladda Iiraan waxa ay hindisahan uga jeedaa iyadoo ka cabsi qabta in haddii Maraykanku uu ku guulaysto ridista Xukunka Sadaam Xuseen inay Ciraaq ka dhalato dawlad uu gacanta ku hayo Maraykanku, taasoo ay Iiraan u aragto khatar weyn oo lasoo deristay.

Top


Sadaam xuseen oo shacbigiisa ugu baaqay dagaal

Baghdad (W.Wararka) - Madaxweynaha dalka Ciraaq, Sadaam Xuseen ayaa maalintii shalay ugu baaqay shacbigiisa inay u diyaar-garoobaan dagaal iyo sidii ay u difaaci lahaayeen dalkooda isagoo rajeeyay inay Ciraaq ku guulaysan doonto dagaalka haddii weerar lagu soo qaado.

Sidaa waxa uu ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munasibadda sannadka cusub ee islaamka oo maalintii shalay laga xusay dalalka Islaamka, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu uga digay Maraykanka inuu ku guul-daraysan doono haddii uu weerar soo qaado, isagoo ujeedadiisana ku tilmaamay inuu doonayo sidii uu u gumaysan lahaa dalalka gobolka Khaliijka.

Sadaam Xuseen Khudbadiisa waxa uu si ba’an ugu weeraray maamulka Maraykanka oo uu ku tilmaamay Daaquud-kii Casriga iyo inuu doonayo inuu xorriyadda ka qaado shacbiga islaamka ah oo uu Ilaahay ku xoreeyay doonistiisa isagoo u soo diray rasuulo hanuuniya, taas oo keentay buu yidhi in dadku aanay cid aan Ilaahay ahayn addoomo u noqonin, Maraykankana aan taa laga yeelayn.

Hadalkan Sadaam Xuseen waxa uu ku soo beegmay iyadoo Ciraaq bilowday burburinta boqol ka mid gantaalaheeda Al-Samuud, iyadoo fulinaysa waqtigii ay u qabatay Q. Midoobay, ilaa iyo haatana waxay burburisay 16 ka mid ah gantaalaheeda Al-Samuud, oo la sheegay inay gaadhayaan 150 km, taas oo ka baxsan sida la sheegay xuduuda ay ogoshahay Q. Midoobay.

Top


30 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Filibiin

Manila (W.Wararka) - ugu yaran 30 qof ayaa ku dhintay, in ka badan boqol kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii uu qarax weyni ka dhacay madaar ku yaala magaalada Daafo oo ku taala koonfurta dalka Filibiin.

Dadka dhintay oo la sheegay in ay ka mid yihiin muwaadiniin u dhashay Maraykanka oo aan ilaa iyo hadda tiradooda la cayimin, balse iyo ilaa hadda Dawladda Filibiin kamay soo saarin sababta keentay qaraxan, laakiin waxa uu ku soo beegmay iyadoo ciidamo badan oo Maraykan ahi ay ku sugan yihiin dalkaasi, iyagoo gacan siinaya ciidamada Filibiin oo dagaal kula jira jabhadda islaamiga ah ee Moro.

Magaalada uu qaraxu ka dhacay oo u jirta caasimadda dalkaasi 980km ayna ku nool yihiin dad gaadhaya 1.2 malyuun oo qof oo haysta diinta masiixiga, ma cadda sida uu qaraxaasi uga dhexdhici karay, balse ciidamada amaanka ayaa qabqabtay dhawr qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxaasi.

Qaraxan oo dhacay iyadoo ammaanka goobahaasi aad loo adkeeyay, dagaalana ay ka socdaan, kuwaas oo u dhaxeeya Dawladda iyo mucaaradka, waxa la sheegay in ay khal-khal ku abuurtay joogitaanka halkaasi ciidamada Maraykanka, balse Dawladda dalkaasi ayaa beenisay in ciidamada Maraykanku ay kala qaybqaataan dagaalka ay kula jiraan jabhadda uu hoggaamiyo Abu Sayaaf, iyadoo ku tilmaantay hawshooda mid ku kooban tabobar ay siiyaan ciidamada Filibiin. Balse Dawladda Maraykanka ayaa jabhaddaasi ku tilmaanta mid xidhiidh la leh ururka Al-qaacida.

War kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka maalintii shalay ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ee ku sugan Filibiin ay gaadhayaan 1750 askari oo Dawladda Filibin ka caawiya dagaalka ay kula jirto jabhadda Abu Sayaaf.

Top


IRMAANTA SUUGAANTA

A.Ducaale

Abwaan Saxardiid Iyo Sooyaalkiisa Suugaaneed

Q: 3aad

Akhristayaal intiinii la socotay Mawduuca Irmaanta Suugaanta waxaanu hore idiinku soo gudbinay laba qaybood oo saabsan sooyaalkii taariikheed iyo taxanihii suugaaneed ee abwaan Saxardiid Maxamed, iyadoo aanu idiin soo gudbinay waraysi dheer oo Abwaan Saxardiid ay la yeesheen shabakada ururinta Suugaanta Somaliland ee Shunuuf.tripod.com, shabakadaas oo ay kumanaan suugaan kala duduwan ah ku kaydiyeen dhalinyaro reer Somaliland ah (Shunuf Family), laakiin qaybtii ugu dambaysay ee waraysigaasi waxay u dhacday sidan.

Suaal : "Music" iyo "musician" maxaa af-soomaliga lagu yidhaahdaa?

Saxardiid: Qofka wax tuma iyo waxa la tumayo horaan uga faalooday. Barigii af-Somlaiga la qorayay ayay Xasan Maygaag, Muuse Galaal iyo Cumar Usteeliye oo wada socda sua'aashaa i weydiiyeen iyagoo markaa af-Somaliga ururinaya. Waxaan ugu jawaabay maansadan oon ku eray bixinayo kuna fasilayo.

"Duunyada kaleetiyo, haddii geel dar lagu horo.
oon loo dunuunicin biyaha, waa ku diidaa.
ma durduurtee, weys dul taagaa.
durbaan cidiisa, ama dananka.
ruuxii dareemee, kolkaa dakaansan.
wey daal tiraanoo, waa dux iyo subag."
Markaa af-somali wuxuu "music" noqonayaa "danan" Qofka tumayaana "musician" in la yidhaa "dananshe" ayaa fiican ayaan ku idhi.

Su’aal: fanaaniintii hore iyo fanaaniinta imika jooga waa maxay faraqa u dhaxeeyaa?

Saxardiid: Horta, fanaaniitii hore iyo kuwan maanta jooga waqtiga ayaa kala kaxaynaya, oo shalay iyo maanta isku mid aha. Dadkii horana kuwii barigii hore tummi jiray ayay jecelyihiin, kuwan dambana kuway la jaan-qaadeen ayay la dhacsanyihiin. saban waliba fanaaniintisuu leeyahay. Barigii hore qof walbaaba heestiisa ayuu ku ekaan jiray, imikana waxaad arkaysa qof 30 heesood oo aanu shaqo ku lahayn qaadaya. Waxay ila tahay haddii fanaaniin badan uu midba mar isla heestii qaado, inay macna guurto oo dhadhankii heesta ka lumo.

Suaal: Aduunyada kaloo dhammi qiimo ayay u yeeshaa fanaaniintooda, maxay dadka reer Somaliland u qiimayn la'yihiin abwaaniintooda iyo fanaaniintooda?

Saxardid: Waa suaal wanaagsan. Horta way qiimeeyaan, umadda Somaliland-na fanka aad ayay u jeceshahay waanay qiimaysaa. Waxa jiri jirtay in qofka is yidhaa si fiican u hadal uu ama ku hadli jiray gabay ama geeraar ama maahmaah iwm. Waxay ila tahay fanaaniinta qaarkood ayaan kor isku dhigin oo aan is qiimayn.

Suaal : Ruwaayaddo fara badan iyo suugaan aad u balaadhan ayaad mudo aad u yar u bandhigtay umadda af-Soomaaliga ku hadasha dhammaan. Maxaad fankii uga baxday kuna aamusiiyay 30kii sanadood ee uugu dambeeyay?

Saxardiid: Waa suaal fiican, in wax laysa su'aalaana waa wax meesha ku jira. Fanka in badan ayaan doonay inaan heerkuu taagan yahay ka gudbiyo, oo aan halkuu taagnaa hore uga sii mariyo.

Kolkaan badhtanka soo gaadhsiiyay ayuu dib iila noqday oo halkii aan is laha ka soo dhaqaaji ayuu igula noqday. Waayo markii horaba maan doonayn inaan fanka ka dhigto shaqo ee fanka naaxintiisa ayay ahayd ujeedada aan u soo galay. Markii ay iga gaabiyeen ee aan is idhi wax badan halkii ka soo riix ayaan goostay inaan hawlo kale ku foofo. Oo aan fanka faraha kala baxo.

Markii uu jawaabtaa Saxardiid bixiyay ayuu Cali Bamfas oo ah abwaan caan ah, xiligaana goobtaa nala fadhiyay, hadalka la wareegay oo uu noo sheegay inuu dareemay aamusnaanta Saxardiid, ka dibna Cali waxa uu halkaa ka tiriyay gabay wuxuuna yidhi "Waxa jiray gabay aan ku sameeyay Mandheera 1981kii anigoo halkaa ku xidhan. Gabayaygan oo aan ku soo wareejiyay fanaaniinta Somaliland dhamaantood, oo qofba uu baydad ku lahaa. Sidan ayuu ahaa baydka ku socday Saxardiid.

"Saxardiid hagoog siduu u galay, heesna tirin waaye.
intii uu kadeedkani hirgalay, muu halaanhaline.
sababtuu fankii uga hadhgalay, la hubsan doonee".

Top


Garba-Diiri Nin Daguugan Maweydo

Yuusuf Shaacir 

Gabaygan oo la magac baxay Garba diir waxaanu hore idiinku soo gudbinay qaybtiisii hore, sidaa darteed waa tan qaybtiisii labaad:

Sida gorad wax leeyahay 
Ama uu gabraartiyo 
Geela-daaqda ugu wado 
Garashada u neceb yahay 
Geyigana u dhaawacay 
Gomoshaa engegeniyo 
Gumar iyo u yahay jiic 
Markii godolka waayaha 
Gayaxayska laga furay 
Guul darooyin mooyee 
Garawshiinyo loo waa 

Guul guulka muuqdiyo 
Gooli baadhka sheekada 
Gugan waxaabu sugayaa 
In gamaan la fuuliyo 
Gibladiyo ciyaartiyo 
Gelbis loo mashxaradiyo 
Gole lagu amaaniyo 
Galad uu mutaystiyo 
Guubaaba heesiyo 
Gacan taagna lagu daro 
Inuu guusha nabadiyo 
Gobonimo u hagar baxay 
Gaadiidka beeshiyo 
Gurgurshaana uu yahay 
Mar labaadna geediga 
Gadhwadeen ka noqon karo 
Haddaan lagu gabood falin 

Gudban ararta haw celin 
Murtidana ha gees marin 
Ganba-xoor iska ogaw 
Gabay lagu idlaadiyo 
Hadda Guba ka dheeraw 
Gunburiga didaayiyo 
Garanuugta soo celi 

Mar haddii guhaankii 
Garba-raar cadhoodiyo 
Galawguba ka faashaday 
Maansada guhaan iyo 
Iyadaan gef lagu darin 
Bal aan sii gorfaynoo 
Garma-qaatayaashiyo 
Gododlaha tilmaanee 
Gaaf laguu dhegaystiyo 
Goos goos u kala bixi 
Golahana u weynee 

Gobka iyo madheedh baxay 
Ama geedka damal ka ah 
Gomoshaa sabooliyo 
Garan-waaga lama simo 
Gudboonaana uma dhalan 
Gabal dhacay warkiisiyo 
Markay gole ka fuul tahay 
Guluf iyo dagaal jiro 
Ama goob xun lays dhigo 
Giiryaale fulayoo 
Gabashada ku caan baxay 
Hadda geesi ciidmiyo 
Garyaqaanka lama simo 
Gudcur iyo cadday is xiga 
Guryo samo ugbaadiyo 
Gawraarka lama dego 
Midba gogol dhigiisiyo 
Magaciisu waa gaar 
Galadana u kala wacan 
Marmar bayse geeduhu 
Gosha ba'an ku yaaliin 

Guutooyin xoogliyo 
Guluf weerar igu dhacay 
Galbabooti lays helay 
Hadda goray halyeygii 
Ganba-xoorka weydiyo 
Gaashaanka kula hadhay 
Ama guuraheedii 
Geriyaad rag ugu tegay 
Galladuu mutaystiyo 
Guushiisa lama qarin 
Gacan dhaafna kuma deyin 
Gacaltooyo qurux liyo 
Gelbis laysu soo baxay 
Ama garangar loo yimi 
Golcas lagu idlaadiyo 
Gegi laysa soo tumay 
Xilka gudashadiisiyo 
Gudoonkiisa loo dhiib 
Garawshiinyo lagu dhaaf 
Wax gargaara mooyee 
Wax guhaadsha loo diid 
Garo oo dadkii yimi 
Guubaabo kula tali 
Guulena u sii bari 

Saw gocasho raagtiyo 
Geeshku waa damqanayaa 
Garaabiida hoosiyo 
Wax galgaalay baa jira 
Goodaadsi lagu arag 
Gabargaalka muuqdiyo 
Ficilkuna gun dheeraa 
Googaalaysigii jaan 
Goonyihiisa mooyee 
Dhanna geedi uma rarin 
Garan waa minkaw baxay 
Bulshadana go'doonkiyo 
Gabayooxa soo taag 
Gaax-nuug sidiisii 
Gumacyada rasaastiyo 
Gaaleef isugu dhiib 
Guluf soo cusboonee 
Guryo ba'ay ku naaloo 
Garashana ka weyd noqoy 
Godolooladiisiyo 
Goolaaftan mooyee 
Gobanimo ma suurayn 
Gadh wadeena noqon waa 

Markuu gaabshey socodkee 
Xilka gudashadiisii 
Geesh kani ka baaqsaday 
Ayaa gooha dhiilada 
Gaaraayacuunkiyo 
Gabal-qariye soo baxay 
Gormo go'an abaariyo 
Geriyaadna igu furay 
Waxba yaanan kala gurin 
Nabarada igubayee 
Gulcubtayda hoosiyo 
Gunta aan u soo dego 
Waxaan ahay go sharafloo 
Guurdoonku weligii 
Gudguduudka quruxdiyo 
Gelbisyada u qaatoo 
Gabadhuu jeclaadiyo 
Markuu Guud-haldhaaley 
Gabaatiga ka dhiibee 
Gudoonkeeda lagu simo 
Ayuu guulahaygii 
Bahalaha gurguurtiyo 
Goodkiyo abeesada 
Gashi baxa u siiyaa 
Aniguna gubtahanyada 
Sida goray ilmaha tebey 
Ama geydha warankiyo 
Garaabiido igu mudan 
Gubuxsiga dareenkaan 
Hadba gees u jeestaa 
Ama gooba xaradhkiyo 
Gawdiid ku daalaa 
Gebi dhaca ihaystiyo 
Garab-raratadaydaa 
Gaaraabidhaankiyo 
Geeslaydu werisoo 
Gorodaan lalminayaa 
Inkastoo gilgilashada 
Rag u giirtay badan yahay 
Gadac iyo halyey jiro 
Geedjoogahaygiyo 
Golayaasha ii maqan 
Gawaan raaca jiitiyo 
Guul ooman baa diley 
Gelin qudha wax joogay 
Taariikhda guunka ah 
Gurayaw ka doorteen 
Naf gunaanadkeediyo 
Gadaashana wax uma dhigan 
Gudintana badh weeyaan 

Sidaasaa gu' iyo dayr 
Guurdoon hawoodiyo 
Garmaqaate dhaarsani 
Hadba iigu guuraa 
Gaadiid wax qaadiyo 
Gurgurshaana ugu ahay 
Garba-diirra kula baxay 

Hadda Gorod war uma hadhin 
Gacaltooyo uma taal 
Garawshiinyo loo waa 
Wuxuu geystay baa badan 
Guudaanna lagu sheeg 
Haddii aan gar muuqdiyo 
Go'aan wadari leedahay 
Gaashaanka lagu dhigin 
Ama loo garaadeyn 
Xaajada god loo deyin 
Geesaha biciidkiyo 
Golos tiisa laga hadhin 
Gufaacooyin soo celi 

Goodaadsigiisii 
Haamaha u guud saar 
Gaajada ku biidhaan 
Balankana u sii gunud 
Marka uu gardaadkiyo 
Goonyaheeda taabee 
Dhirta guudka uga baxo 
Gumarada danbaysaa 
Weji gabaxa quustiyo 
Gocashiyo ladh weeyaan 
Ama garo ama ha garan? 

Guracnaanta qaarkeed 
Gunti xidhasho maahoo 
Cidi kuma geyootee 
Geenyadii la hadaftiyo 
Geeshkan leeda fuulka ah 
Wakhtiguna ka gaagaxay 
Intay gaadhadh koodiyo 
Gurubaysi marayaan 
Gooni daaqu badan yahay 
Ninba gelin ka madax yahay 
Ficilkuna goshoodiyo 
Guradooda mooyee 
Geyigaba ka maqan yahay 
Iyaguna gadaashiyo 
Gedahooda waayeel 
Gugan hayska joogeen 
Gooraanka taahiyo 
Gulcubtana ha daayeen 

Gufaacada dabayshiyo 
Garabyadan hirdamayee 
Dhawaan soo gadaal baxay 
Waxba yaanan kala gurin 
Gabashada humaagee 
Iyagana farbaa godan 
Geedka aan hadhsanayaa 
Damal guuna maahee 
Gumarbaabu urayaa 
Gocondhaana hoos taal 
Haddaan gowshey waayaha 
Ama gawre dhaxanliyo 
Gabayoox kawada dhigay 
Waxaan gaatay baa jira 

Bulshaduna gaboodkiyo 
Galxareedi jiiftay 
Gubuxsiga u jeedaa 
Waxay gooshkan sugeysaa 
Godob hore nimaan gelin 
Gashi iyo dakana qabin 
Nabarada gaboobiyo 
Gebi dhaca wax yeelada 
Gurmo go'an u sii dhigan 
Geela-daaqna lagu xaman 
Geyiguna u siman yahay 
Gaadiid wax qaadiyo 
Guradiisu nabad tahay 
Gadh wadeena noqon kara 
Gobonimo ku idishahay 
Garashada qaxsoorkiyo 
Gudboonaan wax ugu sima 
Haybna aan u kala gurin 
Waayeel gaboobiyo 
Gabanada caruurta ah 
Ama gaari weer xidhan 
Ilmaduna ka gabax tidhi 
Gaajada saboolkiyo 
Garabrarato caydhoo 
Gacantoodu madhan tahay 
Dulmanaha gadoodee 
Garta eexa lagu riday 
Inta gaabinaysee 
Gebo geboha quustiyo 
Gawdiidka waayuhu 
Garba duub isaga xidhay 
Nin gargaari karayoo 
Xilka gudashadiisiyo 
Daacadooda garan kara 
Galadiyo wanaaguna 
Guudkiisa sudhan tahay 

Allahayow godoonkiyo 
Gocor laga inaabsaday 
Geel-qaadka tuuga ah 
Ha ka dhigin go'aankiyo 
Mid gudoonka lagu simo 

Allahayow gantaashiyo 
Gulufkiyo colaadiyo 
Gabas lagu idlaadiyo 
Midaan gawrac mooyee 
Gurya samo ku naaloon 
Ha ka dhigin gaboodkiyo 
Gaadiid la aamino 
Gaasiraada nabackiyo 
Dar gumaysi laasima 
Ama gaala daba gala 
Ama goosan baadiya 
Allahayow garaadkiyo 
Ha ku xidhin wax garashada 

Allow gooshan bilicda leh 
Gardaadkeeda ugubka ah 
Dar geyaan u noqon kara 
Gubadkana ka diga roga 
Geyiguna u siman yahay 
Go'a lagu hagoogtiyo 
Dulmigana ka goodiya 
Sharcigiyo garsoorkana 
U gargaara weligood 
Guulaw ma waydide 
Garashada wixii roon 
Nooga yeel gun iyo baar 
Iyo gogol la aamino

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Dhaqanka Ha La Dhawro
Maqaalkaygan oo aan kaga hadlayo dhalinta maanta iyo dhaqanka laga tagay waxna ugu sheegayo kuna waaninayo inay dib ugu laabtaan dhaqankii waalidkood uu ku dhaadan jiray. Sidaa daraadeed waxaan fariintaydan u soo jeedinayaa dhalinta dalkayga hooyo rag iyo dumarba iyadoo dhalinteena maantu ay tahay kuwii dhaxli lahaa waxay maanta ay hayaan, dadyawga heeganka ah horumarinta dalkooda iyo dadkooda waa dhalintii ay bulshadu ku dhaadan lahayd, waa kuwii dhulkooda waxtari lahaa, waa kuwii dhaqankooda dhawran lahaa waa kuwii cadaawahooda dhabi u qori lahaa, xisaabiyayaal, iyo injineero, looyaro, siyaasiyiin iyo macalimiin intaasba dhulkooda hooyo ka noqon lahaa laakiin waxa naxdin leh iyaga oo wakhtigooda iyo dhalinimadooda ku lumiyay dhaqan shisheeye waa barbaar duruufo adag iyo dhaqan shisheeye door mooday. Waa barbaar duruufo adag ku indho bariiqsaday wixii da’da ka waawayni ku kacayaan, ku dayasho aan la iska danbaynin dayray kaa turtraaye waxaa lagu ducaysan jiray allaw na dil oo hana doorin.

Waar goormaa la dhalan doorsamay? Waar goormaa hab dhaqan kale la qaatay, bulshadii dhaqankooda u hanka waynayd oo aan hoos u eegayn waa nasiib darro.

Ma hor Allaa mise waa dabin hadoodilan? Ma hiilbaa mise waa hooto qarsoon? Ma booraan hadimo hilbo qudhmay lagu guraa waxa yaab noqotay inamadii oo ku dayanaaya nimankii shisheeye ee loogu yeedhi jiray Black American oo timahooda la raameeyo, surwaalkoo la balaadhiyo miskahana laga xidho.

Xaga hablaha oo haddaan u soo noqdo waxaan u maleynayaa inamada waxba dhaamin oo ay la mid yihiin bulshadeena waxay hab dhaqan u lahaayeen hablihii waayo, timahoodaba ka marinjiray saddex qaydka xidhan jiray subeeciyada iyo dhaclaha boqorka ku xaragoon jiray, cunaabiyada ku jeeni qaaran jiray, la iskuna carinjiray hana odhan yaa heblaayo ku dhici kara oo nasiib u helaya waa arrin naxdin leh hablihii aragooda loo boholyoobi jiray marka aad aragto hablihii bulshada maanta oo si sahlan uga talaabsaday dhaqankoodii oo ku shisheeye qaatay iyagoo ku labisanaya dharka dhajiska la yidhaahdo waxaan odhan laha ha dhawro dhaqanka ay Soomaalidii hore aadka u ilaalin jireen, waxaan ku soo xidhayaa maqaalkaygan maansadan gaaban.

"Hadaan awrtii mayracan, dabar maagan lagu xidhin.
Amaan maqasha, qoolkiyo mareegtooda lagu xidhin.
Mushkiladbaa dhiciye, 
Midaan uga socdaa, waa dhaqanka yaan la mancin."

Sacad Yaasiin Maxamuud
Hargeysa

Top


Dhaqan : Maanso

Dheegow ayaamahan, waxa aan la dheygagay.
Dhabanada la haystaa, dhulkaniyo uu lahaabaa.
Dhaawac wayni gaadhoo, dhaqankii badalayoo.
U dhaqaaqay, meel kale.
Dhegihii Daboolani, Ma Maqlaan dhawaaqee.
Dhankan waxaa ku nool dumar, dhumuc iyo dhalaal ba leh, oon dheehooda badalayn.
Waxaase taana dhinac taal.
Dhawr kaloo dhaqaaqoo.
Dhakadii caseeyoo,
Dhabanka cadeeyoo.
Dhalanteed run moodoo.
Wajigiina dhilmaayo.
Dhakhtaradu ku daaleen.
Sidii loo dhayi lahaa.
Waxa taa ka sii dheer.
Inamo aad u dhalinoo
Dhinacyadiina xiiroo.
Dhawr dabaq ka dhigayoo.
Surwaal dhuluban xidhanoo,
Dhinacyadu dilaaceen.
Ka dhaqaaqay diintoo.
Oo dhoohan baa jira,
Dhaxaarahana waxa yimid
Cudurada dhisiiska ah
Ee dhooqeeyay dunidii,
Rabi naguma dhaliyee.
Dhibic yar ood ku tumataan,
Noloshaba ku dhaafsiin,
Dhab ahaana uma ogid.
Dhedo iyo ceeryaanbaa,
La iska wada dhex jiifaa.
Cidna anay dhaadayn.
Hooyadii wax dhashaybaa.
Suuqii dhex joogtoo
Ka dhaqaaqday ubadkii.
Aabihii dhamaabaa,
Guriguun dhex joogoo
Dhana u dhaqaaqayn

Hadal iyo dhamaantii,
Dhooray iyo haweenkoow,
Dhalin yar iyo waayeel
Iyo kuwii dhexdoow,
Intii dhowrsanaysaay
Miyaydaan wax dhaadayn
Haddaynaan ka dhiidhiyin dhirbaaxadii Ilaahbaa
Dhinaceena taaloo
Way inagu dhacaysaa.

Fahad Jaamac Rooble
Hargeysa

Top


Cali Aareeye Oo Saaxibadii Jeelka Ku Ilaaween

Waxaa maanta sanad iyo dhawr bilood ama badh jeelka Hargeysa ku jira, wasiirkii hore ee Somaliland ee hidaha iyo dhaqanka, (Cali Sh.Ibraahim Aareeye) Cali oo nin macalin aqoon sare leh ahaan jiray ka hor intii aanu siyaasadda galin, waa nin bulshaawi ah, oo saaxiibo badan kasaban kara. Muddo dhawr bilood ah oo aanu geed goble kuwada jirnay, ayay aniga isbarasho noo ahayd jeelka Hargeysa, waa saaxiibadaydii jeelka inaan u hadlona way iga mudan yihiin.

Cali Aareeye oo ka mid ah xubnihii ugu firfircoonaa gobolka Awdal jasaheeda ee sida wayn u dhisay Daahir Rayaale xilligii shirbeeleedkii Hargeysa 1997-kii, wuxuu in badan iiga sheekeeyay saaxiibo badan oo siyaasadeed oo uu ku lahaa Somaliland, isla markaana uu xidhiidh dhaw oo dhankasta ah lahaa, iyadoo maanta uu Rayaale, waa inan iyo abtigii dhankasta ah, iyadoo maanta Rayaale ku fadhiyo kursiga ugu sareeya Somaliland, arrinta (Cali Aareeyana tahay arrin gobolka ay labadoodu ka soo jeedaan ku lug leh, may ahayn inuu ku ilaawo jeelka).

Aqooneey waxba ha tarin, waa arrin aad ugu hawl yar, Daahir Rayaale inuu beeshiisa ku qanciyo in Cali oo aan isagu ahayn qof faldambiyeed cad loo haysto, arrintuna ay tahay uun hebelka wax gaystay ayay wada shaqayn jireen, way u hawl yartahay Rayaale oo kale in uu si sahlan uga furdaamiyo xadhiga dheer ee uu ku jiro Cali, cidii dambiga gacanteeda ku gashayna ha lagu xukumo wixii ay jecelyihiin qoyska marxuumku ka baxay joogid iyo maqnaanba.

Maalin uun baa la arki doona Cali Aareeye oo xor ah, oo saaxiibadiisii badnaa ee uu jeclaa ee jeelka ku ilaaway ka gacan sareeyo oo sasuunayo dhibaatooyinkii ku soo maray jeelka.
Ilaahaw dhamaan maxaabiista xaq darrada lagu haysto u hiili, cid walba adaa saamixi karee saamax.

Cali Dool Qoryeelay
Hargeysa

Top


Dil-Dilaacii UbaxaIyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Mingistu: Ba’ulu Girma hawshaa si qurux badan oo aad u wanaagsan inta uu u soo diyaariyay oo uu qoraalkeeda laba ilaa saddex koobi ka soo dhigay ayuu aniga hal koobi ii keenay, waxaana laga yaabaa inuu wasaaradda warfaafinta hal koobi siiyay, hal koobina uu isagu la hadhay, sidaa darteed run ahaantii hawshaa aad ayuu u soo hagaajiyay, mana jirin intaa in le’eeg oo dhibaato ahi. 

Ba’ulu Girma inta uu waxaas oo dhan soo qoro ayuu ku qori jiray buugii OROMAAY, buugaasna markii uu qoray ee uu dhameeyay ayuu ku dhaqaaqay sidii uu u daabici lahaa, laakiin qoladii buugaa aragtay ayaa ku tidhi "Adiga oo aan buugan ogaysiin xafiiska daba galka iyo faaf reebka oo aan ogolaansho ka helin sidee baad u daabici karaysaa, waayo waxa ku jira arrimo ciidamada fara galinaya, iyo kuwa siyaasadda fara galinaya, sidaa darteed inay halkaa dhibaato ku jirto ayay u muuqataa", dabadeedna Ba’ulu Girma koobi buugii ka mid ah oo uu haystay ayuu ula tagay ninka la yidhaahdo Fiqra Salaase.

Ganat: Gudoomiyihii xafiiska daba galka iyo faaf reebku miyaanu ahayn ninka la odhan jiray Shimaalis Maasangiya?

Mingistu: Mayee wuu ahaa, isla markaana Shimaalis isagaa ka sareeyay Fiqra Salaase, dabadeedna Ba’ulu Girma inta uu si toos ah ugu tagay Fiqra Salaase ayuu koobigii buuga u geeyay si uu u baadho waxa ku qoran oo uu faaf reeb ugu sameeyo, balse marka aan maanta dib u eego arrimihii wakhtigaa ninka la yidhaahdo Fiqra Salaase wuxuu xiligaa u muuqday hawlgab, laakiin waxay isweydiintu tahay maxaa ku dhacay, ma hawl nacaybay ka ahayd arrintu, mise wax kale ayay ka ahayd, laakiin waxa markii dambe la ogaaday inuu yahay nin xanuun hayo, ka dibna waxaa loo diray dibadaha si loo soo daaweeyo, sidaa ayuuna ku soo caafimaaday, balse maadaama ay xaaladaasi jirtay Fiqra Salaase muu akhriyin koobigii buugga OROMAAY ee uu u dhiibay Ba’ulu Girma, waayo ninka la yidhaahdo Fiqra Salaase maalintii hawlihiisa ayaa aad u badnaa, isla markaana marka gabalku dhaco ee uu gurigiisa ku hoydo maadaama uu hawsha ku soo daalay, isla markaana xanuun hayay koobiyada buuga intuu madaxiisa hoostiisa dhigto ayuu iska jiifsan jiray, taasina waxay keentay inaanu buugaa akhriyin, balse mar dambe ayuu u gudbiyay madbacada la yidhaahdo Kuraas 

La Soco

Top


Waadiga Ciyaaraha 

C/fataax M. Aidied

Bergkamp Oo Sheegay Inuu Ciyaaraha Kubadda Cagta Sii Wadi Doono

London (AFP): Denis Bergkamp, waxa uu diyaar u yahay inuu sii joogo Highbury ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedka sannadkan.

Weeraryahanka Arsenal, wuxuu 34 jirsanayaa bisha May, laakiin wuxuu rumaysan yahay in ay xaaladiisa nafsadeed u saamaxayso inuu sii wado ciyaaraha kubadda cagta.

"Ma jiraa wax ka fiican in aad ciyaarto kubadda cagta? Shayga ugu muhiimsani waa in ay xaaladaada caafimaad fiican tahay, waxaan dareensahay in ay aad u fiican tahay," ayuu yidhi Bergkamp shalay isagoo ka waramaya xaaladiisa guud ee ciyaaraha iyo sii wadida ciyaaraha kubadda cagta.

"Waxaan weligayba u noollaa in aan ciyaaro kubadda cagta, taasna waxa kaa caawinaya haddii aad si fiican u daryeesho jidhkaaga wakhtigaaga oo dhan," ayuu raaciyay Bergkamp.
Denis Bergkamp, waxa uu kaga soo wareegay Inter Milan sannadkii 1995, heshiis qiimihiisu ahaa 7.5 milyan oo giniga ingiriisiga ah, una dhiganta 12 milyan oo doollar, waxaanu ciyaartoyga Dutch-ka ahi dareemayaa in London ay wadankiisii hooyo uga wanaagsan tahay.

"7 sanno ayaan si rasmiya ugu ciyaarayay kooxda Ajax (Holland), sidaa darteed halkan ayaan in ka badan muddadaas joogay, waxaanan dareemayaa in ay iiga wanaagsan tahay dhulkaygii hooyo," ayuu yidhi Denis Bergkamp.

Top


Dublin Oo Raali-Gelin Ka Bixiyay Ficil-Xumadiisii Lagaga Saaray Ciyaarta

Weeraryahanka kooxda Aston Villa, ayaa ka hadlay isagoo khajilaad uu dareemayo, kadib markii laga saaray ciyaartii ay 2-0 kooxda Birmingham kaga badisay kooxdiisa habeen hore.
Dublin, waxa kaadhka cas la siiyay oo ciyaarta laga saaray, kadib markii uu madaxa ku Dhuftay ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara Birmingham, Robbie Savage, waxaanu raali-gelin u soo jeediyay saaxiibadiisa kooxda iyo Tababaraha kooxda Graham Taylor.

Dublin waxa uu cadhooday kadib markii ay kelmado isweydaarsadeen ciyaartoyga Savage oo khalad ku galay qaybtii dambe ee ciyaarta.

Dublin waxa uu yidhi: "Waxa aanu la’is yidhi waxa uu ahaa wax aan wanaagsanayn. Ficilka aan sameeyayna waxa uu ahaa khalad. Waxa uu ahaa ficil aad u xun."

"Waan ka khajilsanahay waxa aan sameeyay. Waxa aan wax u dhimay ciyaartoyda saaxiibadayda kooxda ah, maamulka, shaqaalaha kooxda oo dhan iyo weliba ta ugu muhiimsan ee aan wax u dhimay waa naftayda," ayuu yidhi Dublin, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; "Waxa aan iskugu yeedhay saaka (shalay) kulan asxaabtaydii kooxda , waxaanan ku idhi ‘waan ka xumahay’ waxaanan doonayay in aan hortooda ka sheego in aan ka xumahay arrintaa dhacday."
"Ma samaynin ficilkan oo kale weligay intii aan soo ciyaarayay ciyaaraha kubadda cagta - xagay iiga timid? Ma garanayo. Runtii ma garanayo waxa aan ficilkan ugu dhaqaaqay. Qayb ahaan waxaan odhan karaa waxaa keenay isku buuq naftayda ah, laakiin taasi sharax uma noqon karto ficilkaygan xun ee aan ku dhaqaaqay, balse dib u dhici mayso."

Dublin waxa dabnihiisa ka muuqday inuu lahaa kelmada "Cheat" kadib markii uu ka soo garoonka oo kamaradaha telefiisanka ka soo baxday, laakiin wuxuu ku dooday oo uu yidhi Dublin; "Run ahaantii ma garanayo waxaan lahaa wakhtigaa. Sababtoo ah aad iyo aad ayaan uga cadhaysnaa naftaydu sida ay ugu dhacday arrintan."

Tababare Taylor, ayaa isaguna cadeeyay in laga qaadi doono talaabo anshax xumo ah oo laba toddobaad mushaharka laga jari doono Dublin iyo weliba Saddex ciyaarood oo ka fadhiyi doono ciyaaraha ay yeelanayso Aston Villa.

Dhinaca kale, laba gool oo ay kala dhaliyeen Stan Lazaridis iyo Geoff Horsfield ayay kooxda Birmingham kaga badisay 2-0 kooxda Aston Villa ciyaartaas habeen hore oo ka dhacday garoon Highbury.

Top


Al-Rayan 1-0 Kaga Badisay Kooxda Al-Sad Oo Romario Markii Ugu Horeysay U Saftay

Doha (Al Jazeera): Kuma uu guulaysan Romario inuu wax la xuso ka sameeyo ciyaartiisii ugu horeysay ee uu u safto kooxda Al-Sad, waxaana lagaga badiyay 1-0 oo ay ka badiyeen kooxda Al-Rayan dorraad Isniintii, ciyaar ka mid ahayd Tartanka Horyaalka kooxaha dalka Qatar, waxaana ka soo qayb galay dad lagu qiyaasay 15000 oo qof.

Ciyaartoyga Cabdixafiid Tasfaawat oo u dhashay dalka Aljeeriya, ayaa u dhaliyay goolka kooxda Al-Rayan daqiiqadii 82aad.

Natiijada kadib, isugaynta dhibcaha kooxda Al-Sad waxa ay ku istaagtay 30 dhibcood oo ay ku hogaaminayso kooxaha Dalka Qatar, halka ay kooxda Al Rayan leedahay 20 dhibcood oo ay kaalinta lixaad ku jirto, iyadoo rajadeedii soo noolaysay in ay ka qaybgasho koobka afarta kooxood u tartamaan ee loo yaqaan "Murabac Al-Dahabi".

Romario waxa uu ciyaarayay ciyaartiisa ugu horeysay tan iyo markii uu toddobaadkii hore heshiis Saddex bilood ah la galay kooxda Al Sad oo qiimihiisu dhan yahay 1.5 milyan oo doollar.

Romario ma soo bandhigin wax la xusi karo ciyaartaas oo dhan, waxaan dhawr jeer soo gaadhay kubado, laakiin wax khatar ah ma gelin kooxda Al Rayan.

Romario waxa uu niyad jab ku keenay taageerayaashii garoonka isku soo diyaariyay, si ay u daawadaan dhaqdhaqaaqyadiisa fanka lahaa iyo inuu garaaco shabagga Al Rayan, waxaana taa sabab u ah ilaalo xad dhaaf ahayd oo ay ciyaartoyda kooxda Al Rayan saareen wakhtigii ciyaarta oo dhan.

Kadib goolka kooxda Al Rayan, Romario iyo Sergio ayaa isku dayay in ay dhaliyaan goolka barbardhaca, waxaanay heleen Saddex fursadood, balse sidii ugu haboonayd umay fullin.
Dhinaca kale, Xoghayaha guud ee xidhiidhka kubadda cagta qaarada Aasiya, Peter Filaben, ayaa sheegay in aanu Romario u ciyaari kooxdiisa Al Sad ciyaaraha Tartanka Horyaalka kooxaha Qaaradda Aasiya ee lagu qaban doono magaalada Al Cayn ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carab 9-15 bishan March, haddii la xaqiijiyo inuu saxeexay heshiiska wixii ka dambeeyay 9-kii bishii February.

Peter ayaa ku sheegay telefoon uu kula soo xidhiidhay wakaaladda Wararka ee Faransiiska maalintii Isniintii, waxaanu yidhi, "Waxa aan doonayaa in aan arrintan hore u dhameeyo, haddii aanu Romario saxeexin heshiis wixii ka horeeyay sagaalkii bishii February, xaq uma laha inuu ciyaaro tartankan gebi ahaantiisaba."

Al Sad ayaa iyadu ku dhawaaqday in ay heshiiska la gashay Romario bishii February 24-keedii, taas oo ah wakhtigii loo qabtay in ay xidhmaan dabadeed.

Waxaanu Peter intaa ku daray oo uu yidhi, "Ma jiro sharci u fasaxaya inuu Romario ka qayb qaato ciyaaraha Tartankan Horyaalka Aasiya haddii uu saxeexay heshiiska wakhtigaa xadidan ee loogu talo galay, mana ka qaybqaadanayo haddii uu xataa beddelayo ciyaarto dhaawacmay."

Top