Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 284 March 9, 2003

Arrimaha Bulshada

Madaxweynaha Oo Qaabilay Wefti Ingiriis ah

Markabkii ugu horeeyay ee laga leeyahay Soomaliland ee si toos ah uga yimaada wadamada Yurub

Maalinta Haweenka Oo Laga Xusay Somaliland

C/qaadir/siilaanyo

Guddi fulineed oo loo magacaabay Berbera

Muxuu ku dambayn khilaafka KULMIYE

Shaadhka cad ee Somaliland iyo dhooqada Somalia

Buuniyow Baroortaadu Orgiga Ka Weyn

Tarbiyada Carruurta Waxay Ka Timaadaa Waalidka

Been Abuur Lagu Baahiyay Wargeyska Jamhuuriya

Xisbiga KULMIYE oo go’aansaday

Ciidamada Maraykanka iyo Pakistan

Wasiirka Daakhiliga Oo booqday Gebiley

Dil-Dilaac

Jilba dhiig

Garta Xeer-beegti iyo Xeerarka Soomaalida


Arrimaha Bulshada

Werwerka iyo Walbahaarka ayaa la ogaaday inay dadka caadiga kaga badan yihiin, kuwa iyagu haysta hantida waxa la caddeeyey in ay dadkaasu yihiin kuwo naftooda aad ugu mashquliya hantida yare e ay gacanta ku hayaan, waxayna taasi dhaxalsiisay xannuuno kaga yimaada dhinaca murugada, walbahaarka iyo fekerka faraha badan ee ay ku jiraan, waxaana aad u yaraada in ay helaan wax ay ku farxaan, xataa uma qoslaan sida dadka nolosha caadiga ah ku jira, wayna yar tahay ama way adagtahay sida ay u qoslaan. Waxay taasi keentay in dadka noocaas ah 95% ay ku dhacaan xannuuno ay ka mid yihiin Macaan, Dhiigkar iwm. Waxa la xaqiijiyey in ay dadka noocan ahi farxaan oo keliya marka ay helaan macaash fara badan, hase yeeshee waxa taa barbar socda werwer ay ka qabaan khasaare ka daba yimaada. Mushkiladaha noocan ah, ayaa waxa la wadaaga dadkaas, kuwa iyagu ku dhex jira siyaasadda, oo la kulma cabsi iyo werwer badan oo ka yimaada arrimaha siyaasaddeed ee ay hayaan, hase yeeshee waxa la xaqiijiyey in ay cabsida, werwerka iyo murugada ugu badan la kulmaan digteytarada iyo kuwa xukunboobka ah ee had iyo jeer bulshada ugu bushaareeya waxyaalaha beenta ah ee aanay fulinayn. Waxa la xaqiijiyey inay dadka nolosha caadiga ah ku jira, ee ku qanacsan shaqooyinka ay hayaan, ay yihiin kuwa inta badan ka badbaada mushkiladaha uu keeno walbahaarku ee ku badan qaybaha dadkaa aynu ka soo sheekaynay.

Sida ugu badan ee ay dadku uga badbaadaan walbahaarka iyo dhibaatada uu dhaxalsiiyo fekerka faraha badan ee ka yimaada mushkiladaha aanay waxba ka qaban Karin, waxa weeye, iyagoo aan isku mashquulin dhibaatooyinka la soo darsa, ee aanay xalkooda haynin, hase yeeshee haddii ay waqtigooda ku lumiyaan mushkiladaha aanay xalkooda helayn, waxa habboon in ay kala tashadaan furdaaminta waxyaabaha la soo dersa, cid ay ku kalsoon yihiin oo ay u bandhigaan dhibaatada haysata, balse haddii aanay taa samayn, waxay naftoodu noqonaysaa mid cabudhsan oo aan dareemin farxad, waxaana suurtagal ah in ay taasu uga dambeynta gaadhsiiso heer ay mushkilada ku qaraxdo naftooda sida fulkaanaha. Waxa jira dad badan oo marka ay la soo darsaan mushkilado xagga nolosha ahi, sameeya qaab ay kaga badabaadaan inay Neerfayaashu kacaan oo taasi ay wax u dhinto xaaladooda Caafimaad, waxayna dadkaasi sameeyaan xilliyada ay mushkilado aanay xal u hayni ka hor yimaadaan, waxay sameeyaan inay wax akhristaan ama ay sameeyaan ciyaaro (Sports) ama madadaalooyin kale. 

Dad badan ayaa ka cawda hurdo la’aan habeenkii, laakiin dadkaasi maaha kuwo hurdo la’aani hayso ee waa kuwo ka fekeraya waxyaabo ay tabayaan oo dareenkoodu taagan yahay, waana sababta keentay in ay waayaan hurdo. Si haddaba aynu arrintaa u xaqiijino, waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa qof ka mid ah dadka ka cawda hurdo la’aanta, wuxuuna sheegey markii la waraystay in ay jiraan waxyaabo uu dareemayo oo xagga nolosha ah, hase yeeshee markii lagula taliyey in uu wax akhristo ilaa inta u ka luloonayo, ee uu sameeyey taas waxa is bedelay wax weyn.

La soco...

Top


Madaxweynaha Oo Qaabilay Wefti Ingiriis ah

Hargeysa (Haatuf) Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda waaxda horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska oo booqasho ku yimid Somaliland.

Weftigan oo uu hogaaminayo Mr. Bernard Harbone oo ah la taliye sare oo waaxdaasi u qaabilsan geeska Afrika iyo wadamo kale, waxa ujeedada booqashadoodan lagu tilmaamay inuu la xidhiidho dib u eegida xaaladda soomaaliya iyo Somaliland.

Sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada oo kulankan ka soo saaray warsaxaafadeed waxa uu la taliyuhu kulanka ka sheegay in ay waaxdoodu ka tirsan tahay ee Ingiriisku shir ay ka yeesheen arrintan ay iskula meel dhigeen dib u eegista arrintan iyo qiimaynteeda si loo jaangooyo doorka ay ka qaadan karaan iyadoo arrinta Somaliland si gaar ah loogu xil saaray David G. Dell oo fadhigiisu ahaan doono safaaradda Ingiriiska ee Nairobi.

Mr. Harbone waxa uu intaasi ku daray in socdaalkoodan ay ku eegayaan meelaha ay wax ka tari karaan Somaliland sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Isaga oo tibaaxay in baanka adduunku uu gacan ka gaysan doono wax la qabashada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Rayaale oo isna kulankaa ka hadlay ayaa weftiga si qoto dheer uga waramay weftiga taariikhda Somaliland oo uu sheegay in adduunka ay ka dabooshay midnimadii ku waajahnayd soomaali wayn oo hadda dhimatay, taasoo uu ku tilmaamay inay ahayd isku darka doonista shacbiga, haatana uu goostay dib ula soo noqoshada xornimadiisa iyo gooni isku taag aan ka noqosho lahayn.

Isaga oo ka hadlayay arrinta Soomaaliya waxa uu madaxweynuhu sheegay in marka Somaliland la siiyo aqoonsi "ayaanu wax la qaban karnaa oo aanu furdaamin karnaa mushkiladahooda oo aan hubo in aanu cid walba uga faro dhuudhuubanahay" ayuu yidhi madaxweynuhu.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu ka hadlay sida ay Somaliland ugu baahantahay wax kala qabashada arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadooyinka iyo taageero toos ah oo la xidhiidha dhidibo u aasida nabadgelyada iyo xasiloonida oo u baahan xoojinta tiirarkeeda maamul iyo gacan ka gaysiga kharashka doorashooyinka madaxweynuhu waxa uu xusuusiyay weftiga in aarimaha ay Somaliland wax ka qabashadeeda uga baahantahay inay ugu horeyso in uu Ingiriisku yahay cida og ee fagaarayaasha caalamka ka sheegi karta in aanan ahayn gobol ka go’ay Soomaaliya ee ay Somaliland ahayd qaran ay midoobeen Soomaaliya.

Kulankaa waxa kaloo ka qayb galay wasiiru dawlaha arrimaha dibada iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaasi.

Top


Markabkii ugu horeeyay ee laga leeyahay Soomaliland ee si toos ah uga yimaada wadamada Yurub

Berbera (Haatuf): Waxa shalay dekeda magaalada Berbera soo gaadhay markab lagu magacaabo Mv Berber Star kaasi oo siday shixmad uu ka soo qaaday wadamada Holland iyo Sweden, sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Berbera markabkaasi oo ay leedahay shirkad fadhigeedu yahay magaalada Berbera oo lagu magcaabo Yaasiin Shipping, ayaa ah markabkii u horeyay si toos ah shixmad uga soo qaada wadama Yurub gaar ahaan dekeda weyn ee Hollad Rhodesia waxaana shixmada uu markabkaasi siday isugu jirtay gaadiid iyo alaabooyin waxaana markabkaasi dhexda ku soo jiray sida uu ii sheegay masuul ka tirsan Yassin shipping laba iyo labaatan habeyn.

Top


Maalinta Haweenka Oo Laga Xusay Somaliland

Hargeysa (Haatuf) Sanad Guuradii 58aad ee maalinta haweenka adduunka oo sanad kasta dunida oo dhan laga xuso maalinta 8-da March ayaa shalay si wayn looga xusay Somaliland, waxaana xaflado munaasibadaa loogu dabaaldegayo lagu caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo gobolada iyo degmooyinka Somaliland. Hase yeeshee ururada haweenka ee NOW Iyo NAGAAD oo ah labada urur ee ugu waaweyn ururada haweenka Somaliland waxay magaalada Hargeysa ku qabteen xaflada kala duwan oo iska barbar dhacay.

Ururka haweenka ee NOW waxa uu subaxnimadii xaflad khudbado laga jeediyay fagaaraha khayriyada Hargeysa, halka uu taa dhigeedana ururka NAGAAD xaflad kale oo balaadhan oo khudbado laga jeediyay ku qabtay hoolka shirarka ee xarunta shaqaalaha, laakiin isla xalay cawaysinkii ayuu ururka NOW xaflad kale ku qabtay xarunta madaxtooyada. Halkaas oo iyana lagu soo bandhigay barnaamijyo isugu jira khudbado iyo waxyaalo kale.

Sidoo kale magaalooyinka iyo degmooyinka kale ee Somaliland ayaa lagu qabtay xaflado kuwaa la mid ah kuwaas oo ay dumarku ugu damaashadayeen xuska maalinta haweenka adduunka ee 8 March.

Xaflad ay ururka haweenka NOW ku qabteen fagaaraha khayriyada Hargeysa waxa kala qaybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirka daakhiliga Ismaaciil Aadan Cismaan, wasiirka wershadaha Axmed Jaamac Bootaan iyo wasiirka macdanta iyo biyaha Maxamed Cabdi Malaw, sidoo kale waxaa xafladaa ka qayb galay hadal koobana ka jeediyay maayarka Hargeysa Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir.

Dhawr dumar ah oo ka mid ah madaxda ururka NOW ayaa fagaaraha khayriyada khudbado ka jeediyay waxaana ka mid ahaa Foosiya Cabdi Maxamed oo ah gudoomiye ku xigeenka ururka NOW, waxayna Foosiyi ka hadashay qaddiyada madax banaanida Somaliland iyo sida ay uga go’antahay shacbiga Somaliland, taas oo ay aad ugu nuux nuuxsatay, dhinaca kalena waxay ka hadashay munaasibada loo dabaal degayo ee maalinta haweenka adduunka, iyadoo tidhi "Maanta waa maalintii aynu ragga la dhalanay, u dhalanay, u dhaxnay, ee dhalnay."

Sidoo kale waxaa iyana halkaa ka hadashay Ismahaan Yuusuf Cabdi oo ah madaxa maamulka ururka NOW waxaana hadaladeeda ka mid ahaa "Haddii aynu nahay haween waynaha Somaliland waa inaynu ka qaybqaadanaa dhismaha wadanka oo aynu kaga badano ragga".

Sidoo kale waxaa iyana halkaa ka hadashay Gudoomiyaha ururka NOW Kaltuun C/Laahi Cilmi waxaana hadaladeeda ka mid ahaa "Waxa marag ma doon ah kaalinta ay haweenku kaga jiraan dhismaha dalka iyo dhamaan wejiyada khuseeya horumarinta dhaqan dhaqaale, waxayna mudnaan u leeyihiin in fiiro gaar ah loo yeesho, lana siiyo tixgalin iyo qadarin dheeraad ah. Waxaa kale oo a y haweenku mudan yihiin in la siiyo kaalin wax ku ool ah oo ah haykalka bulshada dhexdeeda iyo in la dhawro xuquuqdooda, waxaananu dhiirigalinaynaa in haweenku ka qayb qaataan horumarinta dalkooda, iyo adkaynta nabada isla markaana waxaanu hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa dawliga ahba ka codsanaynaa inay si buuxda u taageeraan haweenka reer Somaliland."

Hase yeeshee ugu dambayn waxa xafladaa fagaaraha khayriyada soo gabagabeeyay wasiirka arrimaha gudaha, isaga oo halkaa ka jeediyay hadal kooban oo la xidhiidha munaasibada iyo guud ahaan xaaladda dalka, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa "Doorashada ka bacdi waxaanu ku talo jirnaa inaanu haweenka u qabano wax badan."

Dhinaca kale haweenka ururka NOW xaflada kale ee ay xalay ku qabteen xarunta madaxtooyada waxa ka soo qayb galay Madaxweyne Rayaale, Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf yaasiin, gudoomiyayaasha labada gole ee baarlamaanka, Mudane Axmed Maxamed Qaybe iyo Mudane Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, laakiin waxaa munaasibadaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa wasiirka madaxtooyada mudane nuux oo hadal kooban ka jeediyay iyo marwada Madaxweynaha marwo Huda Barkhad Aadan, waxayna ugu horeyn hambalyo u dirtay guud ahaan haweenka caalamka gaar ahaan haweenka Somaliland, laakiin waxa hadaladeeda ka mid ahaa "Waxaa xusid mudan baahida loo qabo in si cilmiyaysan looga faa’iidaysto laxaadka ku jira haweenka Somaliland, waxaan hadalkayga ku soo gabagabaynayaa oo aan u soo jeedinayaa haweenka dalkeena inay meel uga soo jeestaan dhismaha dalkooda, adkaynta nabadgelyada iyo meel marinta dalkooda iyaga oo dhawraya anshaxa iyo adaabta ku salaysan diinta Islaamka."

Dhinaca kale xafladda gaarka ah ee ururka haweenka NAGAAD ku qabtay guriga shaqaalaha waxa khudbado ka jeediyay rag iyo dumar kala duwan oo ay ka mid yihiin hogaamiyayaasha axsaabta mucaaradka qaarkood sida Axmed Siilaanyo oo ah gudoomiyaha KULMIYE iyo Axmed Aw-Barakaale oo ka mid ah madaxda UCID isla markaana waxa munaasibadaas lagu soo bandhigay majaajilo xiiso leh oo uu hal abuurkeeda isku soo duba riday abwaanka caanka ah ee Xasan Ganay. Laakiin waxa iyaguna khudbado ka jeediyay qaar ka mid ah madaxda ururka NAGAAD iyo xubno kale oo ka mid ah caanka ah ee reer Somaliland, waxaana ka mid ahaa xubnaha halkaa ka hadlay Foosiya X. Aadan oo ahayd gabadhii isku soo sharaxday jagada madaxweynaha, waxayna hadalkeeda ku xustay is-sharaxaadeedii iyo sida loogu diiday, waxayna tidhi, "Anigu waxaan isku soo taagay jagada madaxweynaha, laakiin hadda waan ka baxay tartankii, waayo sharci aan dastuurka ku jirin ayaa nalagu joojiyay markii ay maalin qudh ahi ka hadhay xiligii waraaqa qabashada musharaxiinta, laakiin waxaan leeyahay waa in laga doodo sharcigaa lagu dabray dadka dibadaha oo ah dad dalka wax badan u qabtay, ta kale dumarku maaha inay raga baryaan ee waxaan leeyahay ragga la tartama, umana baahnidin inaad baridaan, waayo waad ka baadan tihiin waxna waad qaban kartaan."

Waxaa kale oo iyana halkaa ka hadashay Canab Cumar Ileeye oo ka mid ah dumarka siyaasada ku jira iyadoo ka mid ahayd ururkii HORMOOD, waxaana hadaladeeda ka mid ahaa "Raga in badan oo wax inoo ogol baa jirta, laakiin dumarka ayaanba garanayn xaqa ay leeyihiin oo aan waxba la soo baxayn."

Sucaad Ibraahim oo ka mid ah madaxda NAGAAD ayaa iyana halkaa ka hadashay, waxayna aad uga hadashay xuquuqda haweenka ee dhinaca siyaasadda. Sidoo kale waxaa iyana halkaa hadashay Shugri X. Boondare oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka qaranka waxayna ka hadashay dhinaca doorashooyinka iyo xeerarka la xidhiidha iyadoo si gaar ah uga hadashay xeerka jinsiyada oo ay sheegtay oo inuu meel kaga dhacay xuquuqda haweenka iyada oo tidhi "Waxa loo baahan yahay xeerka jinsiyada iyo dastuurkaba in wax laga bedelo laakiin inaga oo albaabada garaacna mooyee ma jirto cid wax inoo qabanaysa haddii aynu dumarka nahay".

Gudoomiyaha ku xigeenka ururka NAGAAD ayaa iyana khudbad qoraal ah oo dhawr bog ah ka jeedisay, waxayna kaga hadashay guud ahaan haweenka Somaliland iyo gaar ahaan waxqabadka ururka NAGAAD iyadoo khudbadeeda ku xustay haweenka Somaliland iyo kaalinta looga baahanyahay inay ka qaataan siyaasadda, waxayna tidhi, "hal ku dhega sanadkan ee 8 March waxa weeye haweenka iyo ka qaybgalka talada dalka, taas oo aanu u dooranay, iyadoo ay wakhtigan xaadirka ah haweenku ka maqanyihiin jaangoynta talada dalka, waxayna ka maqnaashaha haweenka ee talada dalku inoo muujinaysaa in horumarka dalku naafo yahay".

Madaxda ururka NAGAAD waxay xafladda ka sheegeen inay saddex xisbi siyaasadeedba ku casuumeen munaasibadooda laakiin aanu xisbiga UDUB ka soo qayb galin, taasina waxay muujinaysaa inay haweenka Somaliland u kala safteen mucaarad iyo muxaafad oo ay qolo walba qoladoodii u tagtay.

Dhinaca kalena sida ay ku soo warameen wariyayaasha Haatuf ee gobolada iyo degmooyinku waxa xaflado kuwaa la mid ah lagu qabtay magaalo madaxyada gobolada iyo degmooyinka sida Burco, Berbera, Boorama, Gebiley, Ceerigaabo, Laas-caanood iyo meelo kale.

Ururka haweenka UNITA oo ah dalaayad ay ku midoobeen haweenka gobolka Togdheer ayaa xaflad balaadhan ku qabtay Burco waxaana halkaa khudbado ka jeediyay madaxda ururada haweenka iyo madaxda dawladda ee magaalada Burco, sidaana waxa ku waramay Axmed Aadan oo Haatuf ka tirsan, sidoo kale ururada haweenka ee gobolka Saaxil ayaa xaflado kuwaa la mid ah ku qabtay magaalada Berbera, taas oo ay khudbado ka jeediyeen madaxda ururada haweenka, sidaana waxaa ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Berebra C/Raxmaan X.Daahir.

Sidoo kale wariyaha Haatuf ee Degmada Gebiley Maxamed Xasan ayaa ku soo waramay in xaflad la xidhiidha xuska maalinta haweenka adduunka lagu qabtay magaalada Gebiley, halkaana ay khdubado ka jeediyeen madaxda ururada haweenka iyo madaxda dawladuba. 

usha mid aad u haysaa 
Hilin toosan weligii 
ka habaabi maayo 
hooyooy addoomuhu
halkay maanta joogaan 
adigow horseedoo
intaad hanad xambaartee 
haaneedka siisee
horaadada jaqsiisee 
habtay baan xisaab iyo
tiro lagu heleynoo
Marka aad nin hiillo
laga baqo hashiisiyo 
halyey diran dhashaabaa 
hooyo lagu xasuustaa 
marka aad nin hoo-loo
gurigiisa habaqluhu 
isku soo halleeyoo
hayntiisa quudhoo
hor Illaahay geystiyo 
lama hure dhashaabaa 
hooyo lagu xasuustaa 
Marka aad nin himilada 
hilin toosan mariyoo 
hir markii la gaadhaba 
ku labaad hilaadshoo 
haga maatadisoo
la higsado dhashaa baa 
hooyo lagu xasuustaa 
Marka aad nin hoogiyo 
ka hor tago dagaalkoo 
garta hubin yaqaannoo 
xaqa hoos u eegoo 
halistiyo colaadaha 
dabka hura bakhtiiy.oo
ku hagoogta dhiigoo 
dadka kale hagaajoo 
kala haga dhashaa baa 
hooyo lagu xasuustaa 
Markaad hoobal caaniyo
hindisa farshaxanoo 
hab-dhaca iyo luuqdiyo
hawraarta maansada 
heensayn yaqaaniyoo

Rabbi hibo u siiyoo 
labadaba hannaanshiyo
hal abuur dhashaa baa 
hooyo lagu xasuustaa
Dumar iyo haween baa
nolol lagu haweystaa 
kuwa lagu hammiyayee
sida hawd caleen weyn
rag u wada hammuume
ishu halacsanaysaa 
hablahaaga weeyee
marka guur la haybshee
gabadh heego dheeroo 
hoobaan la moodoo
karti iyo hub qaadloo 
quruxdana ka hodaniyo
hufan laga aroostaa 
hooyo lagu xasuustaa
Hooyooy la'aantaa
higgaad lama barteenoo 
hooyooy lan'aantaa
hadal lama kareenoo
ruuxanaad habinoo 
kolba aanad hees iyo 
hoobay ku sabinoo
hawshaada waayaa
hanaqaadi maayee
hoygii kalgacalkee 
naxariistu hadataay 
Hooyo dushaadaa
nabad lagu hubaayoo
hooyooy dhabtaadaa
hurdo lagu gam'aayoo 
hooyooy taftaadaa 

dugsi laga helaayoo 
waxaa lagu hal maalaa 
hooyo ababintaadee 
hayin lagu badhaadhaay 

hogol lagu qaboobaay 
gogol lama huraaneey 
dugsigii hufnaantaay 
hidda lagu arooraay 

Intaad hooyo nooshahay 
hambalyiyo salaan baan 
hanti kaaga dhigayaa 
hamrashiyo xaq-dhawr baan 

dusha kaa huwinayaa 
hooyo dhimashadaaduna 
hoogeyga weeyoo 
Weligay hoggaagaan
ka dul heesayaayoo 
hiyigiyo laabtaan 
kugu haynayaayoo 
hengel baan u xidhayaa 
inta haadka duushiyo 
idil habar dugaaggee 
IFKA HIBO KU NOOLOOW 
AAKHIRO HALKII ROON

Top


C/qaadir/siilaanyo

Hargeysa (Haatuf): Guddoomiye xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland, Madane C/qaadir X. Ismaaciil Jirde iyo guddomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay khudbado ka jeediyay xaflad lagu xusayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso oo ay soo qaban-qaabiyeen dalaayada haweenka ee NEGAAD oo lagu qabtay Hoolka shirarka xarunta shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.

Md. C/qaadir Jirde, waxa uu si gaar ah uga hadlay kaalinta ay haweenku ku yeelan karaan Siyaasadda iyo sida loogu baahan yahay inay doorkooda siyaasadeed ciyaaran. Laakiin, Md. C/qaadir, wuxuu ugu horrayn yidhi; "Wax yar waxaan ka odhanayaa xuquuqda haweenka. Sidaad ogtihiin hoolkani (waa hoolka shirarka) waa kii laga ansixiyay distoorka markii uu socday shirweynihii saddexaad ee 1997-kii, balse haweenku shirkaa way ka maqnaayeen, waxaana reebay qaab-beeleedkii, waayo waxa shirka kasoo qaybgalay 115 Ergay oo beelo lagu qaybsaday, distoorkuna xuquuq badan ayuu siinayaa haweenka, waxaadna moodaa inaan dumarka cidna waxba u diidayn, haddana ay wixii meel ku hakanayaan.

Haseyeeshee, ta keliya ee aan filayo inay haweenklu xuquuqdooda ku heli karaan, waxaa qaabka Axsaabta, taasoo aanay iminka jirin beel hortaagani, waxaana Ilaahay mahaddii ah in xisbi ka mid ah xisbiyadii ay guddoomiye xigeen ka tahay qof dumar ahi, taasina waa tallaabo horumar leh, laakiin sidaan horeba u sheegay, haweenow ma jiro wax laydinku deeqayaa, balse waa wixii aad lasoo baxdaan."

Mudane C/qaadir, isagoo tilmaamaya baaxadda haweenka Somaliland iyo saamaynta ay ku yeelan karaan doorashooyinka hannaanka Axsaabta badan, wuxuu yidhi; "Somaliland dadka xaqa u leh inay codeeyaan waxa lagu qiyaasaa inay tahay 1,400,000 (milyan iyo afar boqol) oo qof, waxaana laga yaabaa in ka badan 52/53% inay haween yihiin, magaalooyinkana inta codaysa haweenka ayaa u badan, qolada xisbiyaduna waxay ku dedaalayaan inuu xisbi waliba codka ug badan, laakiin codadka ugu badan haweenka ayaa bixiya, markaa inta aydaan codka dhiibin la xisaabtama Madaxda Axsaabta oo waxaad ku tidhaahdaan maxaa noo haysaan intaanaan meesha gelin, ta kale haweenku golayaasha Qaranka way ka maqan yihiin oo golaha wasiirada ayaa dhowaan Edna lagu daray, labada gole ee Baarlamaankana way ka maqan yihiin. 

Tusaale ahaan golahayaga (Wakiilada) ma jirto sabab sharci ah oo ay uga maqan yihiin, haddii ay tahay shareeco iyo dhaqanba, haddii ay nagu soo biiraana waxbay na tari lahaayeen oo ugu yaraan habsankayaga ayaa yaraan lahaa. Sidaa darteed, sabab farsamo ayuun bay uga maqan yihiin, hase yeeshee golaha Guurtida culimada markii la weydiiyay inay haweenku golaha Guurtida geli karaan, waxay yidhaahdeen qiil waanu u weynay, laakiin waxay yidhaahdeen xaga shareecada golaha wasiirada iyo golaha wakiilada wax kahor joogsan karaa ma jiraan inay haweenku ka mid noqdaan.

Dhinaca kalena, waxa munaasibaddaa khudbad ka jeediyay guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, khudbadaas oo uu kaga hadlay doorka haweenku ku leeyihiin mujtamaca iyo munaasibadda maalinta haweenka adduunka, laakiin Axmed Siilaanyo intaa kuma ekaan ee wuxuu iyana aad uga hadlay wacyiga siyaasadeed ee Somaliland, isagoo khudbaddiisa ku dhaliilay siyaasadaha hoggaamineed ee xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo weliba xisbiga UDUB ee uu guddoomiyaha ka yahay Daahir Rayaale Kaahin.

Marwo Shukri Xariir oo barnaamijka daadihinaysay ayaa Axmed Siilaayo cod-baahiyaha kusoo dhoweysay, laakiin Shukri iyadoo ka faa’iidaysanaysa hadalkii C/qaadir Jirde ee ahaa; "Haweenow iminkaba xisbiyada waxaad ku tidhaahdaan maxaad noo haysaan" ayay Axmed Siilaanyo u qaddintay su’aal ah; Maxaad hawaanka u haysaan? Hase yeeshee, Axmed Siilaanyo wuxuu hadalkiisa ku bilaabay hambalyo uu u dirayo guud ahaan haweenka adduunka, gaar ahaana haweenka Somaliland, laakiin intaa kadib wuxuu ka hadlay haweenka Somaliland iyo doorka ay ku leeyihiin arrimaha Siyaasadda, isagoo yidhi, "Waxaan halkan ka qirayaa dorka ay haweenku ku leeyihiin bulshada Somaliland, haddii ay dhisme tahay, haddii ay qoys tahay iyo haddii ay dhismaha Qaranka tahay, waxaanan aaminsanahay inay kaalinta koowaad kaga jiraan, taasna si niyad ah ayaan u qirayaa. Waxa kale oo aan qirayaa doorashooyinkii hadda laga soo baxay inay haweenku ahaayeen kuwa dhaq-dhaqaaqa iyo codaynta sameeyay."

Guddoomiyaha KULMIYE, isagoo daba-socda su’aashii ahayd; Haweenka maxaad u haysaa? Wuxuu ku taamay inuu xisbigiisu yahay xisbiga keliya ee ay guddoomiye xigeenka ka tahay qof dumar ahi, isagoo yidhi; "Haddii aan magaca KULMIYE ku hadlo anagu waxaanu nahay xisbiga qudha ee ay guddomiye xigeen ka tahay qof haween ahi, taasi miyaanay jirin," ayuu weydiiyay haweenkii badnaa ee madasha fadhiyay, kadibna waxay dhammaantood kor ugu qayliyeen "way jirtaa."

"Miyuu jiraa urur kale oo taa sameeyay" ayuu haddana weydiiyay dumarkii, waxayna ku jawaabeen; "maya" haweenkii madasha ka hadlay waxay dhammaantood ku nuuxnuuxsadeen inay axsaabta iyo ururada siyaasadu aad u duudsiyeen xuquuqda iyo kaalinta siyaasadeed ee haweenka, laakiin Axmed Siilaanyo isagoo ka jawaabaya wuxuu yidhi; "Waxaad tidhaahdeen dhammaantood naf inooma hayaan, laakiin xaqa qira oo waxa tidhaahdaan naf inooma hayaan ee way is dhaamaan, waayo anagu KULMIYE ahaan waxaanu leehanay waxa jira wax aanu ku dhaano kuwa kale, taasina calal-aqalu waa tallaabo, marka haweenow ciddii tallaabo caynkaas oo kale ah qaada qira oo dhiiri-geliya."

Hase yeeshee, Axmed Siilaanyo waxa kaloo uu khudbadiisa ku qiray inay haweenka xisbigiisu aad u taageereen, isagoo dhinaca kalena soo hadal-qaaday haweenayda keliya ee ku jirta golaha xukuumadda Somaliland, Marwo Edna Aadan, wuxuuna yidhi, "Maanta golaha Dawladda waxa ku jirta haweenay Marwo Edna Aadan, waana qofka ugu fir-fircoon golaha wasiirada, waxayna tahay in la dhiirigeliyo, waanan u hambalyaynayaa, inkastoo aanan garanayn meeshay UDUB kaga jirto, waayo guddoomiye xigeen kama aha, xog-haye kama aha, musharraxna kama aha."

Inkastoo ay madashu ahayd meel lagu xusayay maalinta haweenka adduunka, taas darteedna ay dadka qaar ku doodaan in munaasibad waliba ay hadalkeeda yeelato, haddana Axmed Siilaanyo taa wuu ka afeeftay, wuxuuna ku dacwiyay inuu xaq u leeyahay inuu madal kasta kaga hadli karo arrimaha Siyaasadda, maadaama uu xisbi siyaasi ah hoggaamiyo, wuxuuna yidhi; "Dadka qaar-baa marka munaasibad laysugu yimaado yidhaahda; mawduuca laysigu yimid oo keliya halaga hadlo. Tusaale ahaan maalintii dhoweyd ee la xusay 20-kii February ee la xusayay markii carruurta la xasuuqay waxa lasoo hadal-qaaday xasuuqii, laakiin waxa la yidhi; "in xasuuq lasoo qaado may ahayn oo mawduucaasi meesha ma ool." Balse waxa laga hadlayayba waxa uu ahaa mawduucaa oo ay munaasibadu ku saabsanayd, marka iminka ma af-salax ku dheg baanu noqonay haddaanu waxoogay siyaasada ka hadalno, laakiin anigu waan ka hadlayaa oo waa taa gidaarada ku wada qoran."

Intaa kadib, guddoomiyaha KULMIYE isagoo la hadlaya haweenka wuxuu u qaddimay dhawr su’aalood isagoo yidhi; tolow haweenku haweenka maw codeeyaan oo ma raacaan meesha haweenku ku sarreeyaan, mise waxyaalo kale ayay xeeriyaan, waa su’aal meesha taal, ta kale berigii dhoweyd haweenku ururada ma waxay ugu cadeeyeen sida ay wax uga helayeen, mise siyaabo kale, waa su’aal iyana meesha taal. Laakiin anigu odhan maayo sidaa iyo sidaa ayay ahayd."

Guddoomiyaha KULMIYE, Axmed Siilaanyo waxa kaloo uu ka hadlay qaabka doorashada mudanayaasha wakiilada iyo guurtida, wuxuuna yidhi; "Waxaanu aaminsanahay inay haweenku qayb muuqata oo macno leh ku yeeshaan golayaasha Siyaasadda, laakiin golaha wakiilada sidii loo dooran lahaa iyo tiradiisii intay noqonayso weli sharcigu ma goyn, guurtidiina sidaan u arko iminka waa la af-duubay oo waxa la yidhi toddoba qof oo madaxweynuhu magacaabay ayaa soo xulaya, taas oo aan axsaabta lagaga talogelin, sharciguna wuxuu leeyahay doorasho ayay ku soo baxayaan, laakiin doorashadii waa laga duway oo waxa laga dhigay magacaabid uu madaxweynuhu isagoo UDUB ah keligii magacaabayo xubnaha guurtida soo dooranaysa, laakiin anagu waxaanu aaminsanahay in dumarka loo sameeyo tiro cad oo ay kaga soo qaybgalaan golayaasha Siyaasadda, ra’yigaana waa inay axsaabta kale qaataan oo lagu wada hawlgalo, axsaabta iyo dawladuba."

Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha Siyaasadda Somaliland iyo hawsha doorashooyinka, wuxuuna yidhi; "Maanta waxa la kala dooranayaa axsaab maaha ee waxa la dooranayaa Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen, waxaanan qabaa UDUB inay ku jiraan rag badan oo iga tacliin badan, waxa jira dad badan oo wax qaban kara, laakiin anagu waanu uga waayo-aragsan-nahay, uga tacliin badanahay ugana aqoon badanahay, ma Rayaale, dee horta dadka aad ictiraafka u doonanayso afkooda waa inaad garanysaa, maalin walba ma Edna ayaad diran doontaa. Markaa waxaan leeyahay ina-Rayaale Edna hawga dego, markaa anaguna waa taageeraynaa oo waanu raacayna haweenka, marka arrinta yaan la isku khaldin, waayo lama kala dooranayo UDUB, KULMIYE iyo UCID ee waxa la dooranayaa waa madaxweynihii iyo Madaxweyne xigeenkii dalka, marka aynu is-weydiino yaa Caalamka ictiraaf ka raadin kara, caalamkana waa loo kala waayo-aragsan yahay, waana loo kala aqoon badan yahay. 

Maalin dhoweyd waxan dhegaysanayay Madaxweynaha oo ay BBC-du waraysanayso, wuxuu qarinayay wax ay carruurtuna ogtahay, waxa la weydiiyay Ceel-Afweyn ma ciidamo Ajnebi ah ayaa jooga, wuxuu yidhi; Maya ma joogaan, laakiin way joogaan oo waa la wada ogyahay, balse haddii aad taa been ka sheegayso saw berritana dalka marka la qabsado saw odhan maysid lama qabsan, laakiin madaxweynuhu waxay ahayd inuu runta sheego, isagoo sharaxaya sababta oo uu umadda u caddeeyo waxa jira, laakiin beenta intaa le’eg Madaxweynaha Somaliland runtii kamaan garaysan."

Sidoo kale, waxa isna halkaa khudbad ka jeediyay Axmed Aw Barakaale oo ka tirsan Madaxda ururka UCID, wuxuuna isagoo haweenka la hadlaya yidhi, "Waa inay cidda aad soo dirsanaysaan tahay cid madax-bannaan, waayo ilaa carruurtii ayaad haysaan oo shaqadii ugu weynayd ah."

Axmed Aw Barakaale, waxa uu sheegay in xisbiga UCID ay golaha dhexe kaga jiraan 8 dumar ahi, laakiin ay markii hore ku qoreen ilaa 25 dumar ah, balse ay iyagu dayaceen kaalintoodii. 

Top


Guddi fulineed oo loo magacaabay Berbera

Berbera (Haatuf) - Qoraal uu soo gaadhsiiyay weriyaha Haatuf ee Berbera, C/raxmaan Casaan goddomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Xasan X. Maxamuud (Xasan gadhweyne) isla markaana ah xubin ka tirsan golaha deegaanka Berbera, ayaa waxa uu qoraalkiisaasi ku sheegay kal fadhigii afaraad oo manta lagu doortay shanta xubnood ee joogtada ee golaha fulinta, oo uu ka maqnaa fadhigaasi (gadhweyne).

Hasa yeeshe waxa aan taagero buuxda iyo hambalyoba u dirayaa Gudoomiyaha Golaha Deeganka Degmada Berbera Abdala Mohamed Ali oo shantaasi xubnood ka dhex doortay golaha deegaanka Berbera, kuwaasi oo ah xubno mudakar ah oo hawsha fulinta ee loo igmaday gudan kara.

Waxaanu xubnaha kale ee golaha deegaanka u soo jeedinayaa inay gacan ku siiyaan gudoomiyaha iyo shanta xubnood ee fulinta ahba hawsha loo doortay, waxaanan guud ahaan u soo jeedinayaa in ay si wada jir ah iyo talo midaysan laga yeesho hawlaha shacbigu uu inoo doortay iyo xilka masuuliyadeed ee ina fuulay.

Waxa hadaba fadhiigii afaraad maanta u cabdala Maxanmed cali gudoomiya golaha deegaanka uu u magacaabay shanta xubnood ee noqonaya golaha fulinta oo kala ah:

1. Cumar Aw Xasan 
2. Siciid Da’uud 
3. Maxamed Cumar Yasir 
4. Yusuf Axmed Maxamed 
5. Maxamed Ahmed (Bidhiidh)

Top


Muxuu ku dambayn khilaafka KULMIYE

Waxaa waayahan danbe soo baxay khilaaf usocda sidii mawjad oo ka dhex oolan xisbiga KULMIYE khilaafkan oo dhex taagan aasaayaashii xisbiga, hadaba xisbigan uma eka mid ku cibro qaatay halka uu dhigay khilaafkii ka dhextaagmay Xisbigii cuslaa ee ka koobnaa sadexda urur ee isu kaashaday mucaaridnimada sadexdan urur oo kala ahaa 1)ururka badbaada Somaliland 2)ururka islaamiga 3)ururka dib uhabaynta SNM dhamaantood oo la baxay SAHAN hadaba markuu ka koobnaa 3 urur aad buu uga taya roonaa sahanka imika jira khilaafkani waxa uu ku keenay in ay kabaxaan rag badan uu miisaniyadooda siyaasadeed aad u culustahay si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa in khilaafkii sahan halkaa mariyay maanta ku soo food leeyahay xisbigan KULMIYE. 

xiliga uu ku soo beegmay khilaafkan xisbigu ayaa ah xili loo diyaar garoobayo doorashada Madaxweyne iyo Ku xigeenba waa runtii wakhti adag oo ururada aduunka ka dhisan ayna is qabsanba hadii la soo gaadho xilyadan oo kale.

Aasaaska KULMIYE waxa uu ku aasaasmay ka dib markii uu gartay ruugcadaaga siilaanyo in uu isu soo dhaweeyo mucaaridka iyo dawlada taasoo keentay markii danbe in uu u arkay in ay uga banaantahay fursad uu isu soo taago booskan madaxweynenimo xisbigan oo la odhan karo waxa uu u dhismay isu soo dhaweeynta umadda Somaliland arimaha xisbigan ka dhex oogani waxay lid ku yihiin astaamihii wanaagsanaa ee uu xisbigani ku aasaasmay hadaba garbayada xisbigan ee is haysta waxa khilaafkoodu soo if baxay ka dib markii uu ku soo biiray garab ka mid ah garabyadii xisbiga Asad ee ku guul daraystay in uu usoo gudbo xisbinimada qaran kooxdan oo uu horkacayay C/raxmaan awu Cali kooxdan oo u badan niman ay Siilaanyo wada shaqeeyeen wakhtigii halganka hadaba labada garab ee uu maanta u qaybsanyahay Kulmiyihii hore iyo garabkan danbe ee KULMIYE (asad) waxaa cad in ay carqalad is taajisay ajandahoodii siyaasadeed ku hortimid sartani xageebay ka qudhuntay maadaamo oo Mr. Siilaanyo imaatinkiisa Somaliland ku salaysnaa in uu isu soo dhaweeyo mucaarid iyo muxaafid miyaanay tusaale u noqon karin umadda reer Somaliland sida uu usii kala fogaanayo xisbiga KULMIYE.. Cajiib !!

Mr. Xassan Buuni waa nin aad sumcad wanaagsan uga leh dadyawga siyaasad la jaan qaada Mr. buuni oo u leh khibrad siyaasada qobcadani geeska afrika ayaa ku soo biiriyey miisaaniyad xisbigan KULMIYE ka dib markii u ololeeyey xisbigan waxaad moodaa in uuse maanta ka cagajiidayo ololaha xisbiga kuna dhawyahay in uuba dibada ka noqdo xisbigan sababta keenaysa oo ah in si aan dimuqraadiyada waafaqsanayn oo loo maamulay doorashadii Gudoomiye ku xigeen ee uu ku guulaystay C/raxmaan Aw Cali si kastaba ha ahaatee Mr. Buuni wa tiir adag oo ay u baahanyihiin KULMIYE hadii uu ka baxo na uu liiicsami doono xisbigan.

Mr.Maxamad Rashiid Sheekh Xassan oo runtii ahaa raga maanta looga baahanyahay xisbigan in ay bal wax ka qabtaan ajandaha siyaasadeed ee xisbiga iyo guud ahaan horumarka dalka ayaa isagu ku dhawaaqay in uu ka baxay xisbiga KULMIYE hase ahaatee ka bixistiisu waxay damaqday dad badan oo xiiseeya in ay maanta siyaasada somaliland is badasho dadkan waxaa u muuqday in aanay wali welcome ahayn Maxamad Rashiid iyo lodkiisa keeni lahaa dhaqdhaqaaqa iyo is badalka saaxada siyaasadeed ee guud ahaanba Somaliland. 

Mr. Maxamad Cabdi Gaagaale oo ka mid ahaa raga xisbigan KULMIYE ka baxay waxa uu mudanahani ka mid yahay xildhibaanada golaha wakiilada ee somaliland waxa ka bixtaanka Md. gaagaale sababay sidii loo maamusay doorashadii lagu doortay Mr. C/raxmaan aw cali hadaba ragaa culus ee xisbigan ka biyo diiday waxa ay ku keenayaan dhaawac wayn oo siyaasadeed oo ku soo wajahan xisbigan soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (hubsiimo Halbaa la siistaa ) xaaladan cakirani waxay soo food saartay ka dib markii hunguri qaaday siyaasada KULMIYE taasoo keentay in lagu kalsoonaaday oo la is yidhi waxaa cod gobolka awdal ka soo dhicin kara C/raxmaan aw cali xaqiiqdu se waxay tahay bal hada hadii ninkaa kaliya laga doorbiday ragan kale ee iyaguna awdal ka soo jeeda maalintii uu C/raxmaan aw cali ku jiray Asad ee doorashooyinkii dawladaha hoose cod ka badan kan KULMIYE ma ka helay Gobolka Awdal jawaabtu waa maya cod ahaan waxay kala heleen labada xisbi KULMIYE natiijada Gobolka Awdal (13679 ) Asad natiijada Gobolka Awdal (8727) waxaa halkaa kaaga muuqan kara walow tani ahayd dawladaha hoose hadana in aanu saamayn badan ku lahayn C/raxmaan kaligii gobolkaas oo aanay mudnayn in loo tuuro C/raxmaan kaligii intaas oo ruug cadaa waxaa taa labaysa in maanta aanay ahayn maalin dagaal oo ay tahay maalin qalin iyo siyaasad daacadnimo weheliso taasi waxay farta ku godaysaa mujaahidiinta magaca ku doonaya dagaalka waa in ay muujiyaan wax tarka dalka oo anay ku hanjabin dalkan wax tarbaanu ka sugaynaa Becouse waanu u soo jihaatanay.

Ugu danbayn waxaad moodaa in hadii uu dhamaan waayo khilaafka xisbigani ku danbayn doono halkii uu sahan maray sahanba ka muu siyaasi yarayn bal se ayaan darrada ayaa ahayd in uu shardi kaliya ku dhismaya oo ahayd sidii loo badali lahaa hogaanka dalka. 

Suaasha gabagabadii waxay tahay MUDANE Siilaanyo hadii maalintaad hogaanka SNM haysay ay laba garab u qaybsanaayeen Hadii maantood tahay gudoomiya KULMIYE Sadex garab u qaybsanyahay hadaad ku guulaysato jagada Madaxweyne Somaliland imsaad u qaybin???

Cumar Cabdi Nuux 
calaydh2@hotmail.com
Helsinki Finland 

Top


Shaadhka cad ee Somaliland iyo dhooqada Somalia

Hadii aan dib u jaleecno tijaabo socotay 30 sano ooy reer somaliland u arkaan inay tahay tijaabo madoobayd waxay dad badan oo reer somaliland ihi ilaahay had iyo goor ka baryaayaan inuuna tijaabadaa markale ku soo celin waa midnimadii somaliland iyo somalia balse anagoo og taa hadana hadii arimaha dhinac kale aan ka aragno waxan gaadhi lahayn xaqiiqooyin badan ooy ka mid tahay:

  1. Khalad wayn ayaan galnay markii aan la midawnay Somalia anagoo tijaabo iyo is fahan dheer uuna nakala dhexmarin sicirkii midnimadaas(doqoniimadaas)na waxaan bixinay qaali(burbur iyo qax iyo dhibaato iyo ku dhawaan 60,000 oo dadkeenoo dhintay ) taasina waa wax aan waligeen ilaawi karayn dawlad kasta oo soomaaliyeed oo dhalatana waa inaan ka soo ceshenaa xaqeenii lumay balse waa in la ogaadaa inaan maanta anagu aan nahay dadka ugu nolol fiican somali uguna degan dhinaca nabadgalyada taasna anagoona faanayn waxaan u aanayn karnaa jacayl ilaahi ah.

  2. Ka dib burburkii dawladii Soomaaliyeed iyo gooni isutaagii somaliland dawlada somaliland kumay dagdagin inay faraha la gasho arimihii qasnaa ee Somalia iyadoo ay Somaliland lafteeda ay ka taagnaayeen qalalaase iyo amaan xumo markii danbana waxay dawladu ku mashquushay sidii loo horumarin lahaa dalka isku soo duuduuboo Somaliland waxay u aragtay Somalia meel dhooqa badan ooy ku haboon tahay inayna ku wasakhayn shaadhkeeda cad.

  3. Siyaasadaas sababta ugu wayn ee keentay waa waswaaska ay reer Somaliland ka qabaan Somalia iyadoona ka soo wareegin dhibaatadii ay u gaysteen reer koonfortu 12 sano oo kaliya ta labaadna waa arimaha gudaha ee somaliland tan somaliana loo arkayo inay qalalaase u keeni karto wadciga adag ee somaliland ta sadexaad waa gooni isu-taaga Somaliland ooy reer Somaliland u arkeen inuu dhaawici karo xidhiidh kasta ooy la sameeyaan soomaaliya ta afraad oo ah qalaalaasaha ka taagan Somalia lafteed oo keentay kala daadsanaan taasoo adkaysay qeexida yaa noqon kara nin matala Soomali oo dhan ooy somalilandna la gorgortami kartaa.

  4. Siyaasadani waxay keentay inaan ka gaabino wax ka qabashada dhibaatada ka taagan somalia iyo kasbashada dadka reer somalia codad badan ayaa ka soo yeedhaya dawladaha daneeya arimaha Somalia oo sheegaya inuu ictiraafka Somaliland uu ku xidhan yahay soomaalida taasna run ahaantii waa arin khasab nagu ah inaan ku fakirno sidii aan u kasban lahayna dareenka shacabka Somaaliyeed anagoo u sawirayna inaan nahay dad la dulmay oo mutaysan inay go'aan haday taasi rabitaan kooda tahay waa inaan maanta cod dheer aan isku waydiinaa maxaa noo dan ah balse intaana go'aamin inaan xidhiidh la yeelano somalia iyo in kale waa inaan kala falaqaynaa wadciga maanta ka taagan Somalia waxaan halkaa ka ogaan karnaa:

    1. Somalia waa dal burbursan waxaa ka taliya hogaamiya kooxeedyo oon kala itaal roonayn oo ku tiirsan awoodo shisheeye oo dano gaar ah ka leh somaliya dhamaan qabqablayaashaa dagaalku waxay ku hirdimayaan jagada madaxtinimada iyagoo u arka inay yihiin dadka ugu haboon inay qabtaan xukunka dalka kama dhaqaaqayaan danta dadkooda luqada kaliya ay fahmayaan waa luqada danahooda gaarka ah waxay ku tiirsan yihiin qabaailadooda oo u arka inay yihiin mujaahidiin waxaa meesha ka baxay kala danbayntii mudnaantii dawladnimidii waxaan odhan karnaa inaan dib ugu laaban wakhtiyadii bini aadamku uu kaymaha ku noolaa isgaadhsiin casriya iyo shan ama lix sharkadood ma dhisaan dal casri ah balse nabad galayada ayaa dhista iyo isku duubnaanta dadka taasna waa ta meesha kamaqan.

    2. Hogaamiye kooxeedkaa waxaa ku jira niman godob aad u wayn ka galay Somaliland iyo shicibkeeda taasna waa mid aanan loo dhaafi karayn hadii aan la samayno xidhiidh dadkaa taasi waxay keeni kartaa qalalaase ka dhex kaca somaliland lafteed taasna waa wax aanan loo baahnayn sidaa daradeed haday timaado niyad in xidhiidh anfaca somaliland lala sameeyo dadkaa waa in loo qaybiyaa laba qaybood argagixiso (kuwii godobta naga galay) iyo kuwa asxaab noqon kara oonan xilal hayn wakhtigii rajiimka aanana wax godob ah u gaysan shacabkan. Maarkaan taa kala qayaxno waxay su’aashu noqon doontaa sidee baa loo kasban lahaa dadkaas balse sidee looga qancin lahaa go'itaanka Somaliland, yaana gali kara qaybta koowaad yaana ku jira qaybta labaad waa inoo qaybta kale. 

Axmed Iid Obsiiye (Catoosh) Yaman -Cadan

Top


Buuniyow Baroortaadu Orgiga Ka Weyn

Ragu wuu tartamaa wuuna kala adkaadaa, rayigu wuu isku qabtaa wuuna kala cawdaa, laakiin xisbiga waan sii ahaanayaa waana burburinayaa oo waxaan kula jirayaa lugooyo iyo dibindaabyo daw ma aha, KULMIYE iyo taageerayaashiisuna ma qaadanayaaan, waxayna u arkaan in aanay ahayn cabasho iyo waxaad ka tirsatay shirkii lagu doortay musharaxa xisbiga ee jagada madaxweyne ku xigeenka ee aad isu oo sharaxday oo kaliya, balse ay tahay colaad iyo cadaawad aad u hayso xisbiga KULMIYE.

Tan iyo intii musharixiinta badan ee dhamaantood Awdal ka soo jeeda ay isku haysteen qofka noqonaya musharaxa m/weyne ku xigeenka xisbiga waxa jiray tuhun iyo shaki ku saabsan in muruggaa iyo muranka xisbiga laga dhex abuuray uu ku lug leeyahay UDUB ayna jiraan rag mashruuc ku soo qaatay inay buug geliyaan xisbiga KULMIYE. UDUB lafteedu taas way ku faanaysay, Buuni-na wuu qiray inay jiraan rag noocaa u shaqaynaya isaga oo duraya qaar ka mid ah raggii la tartamayay. Haddaba sheekadaa markii hore dhegaha laga furaystay dhugna loona yeelan laakiin Buuni isagaa haatan badka is soo dhigay oo si badheedh ah u cadaystay inuu qandaraas kaga soo qaatay inuu qalaan qal geliyo KULMIYE.

Uma suurtagalayso Buuni inuu burburiyo xisbiga KULMIYE, balse waxa uu xisbiga iyo dadka taageersan tusay cadaawad laga ficil qaadan karo.

Taasoo aan dalkeena iyo dadkeenu maanta u baahnayn, adhax jabna ku ah nidaamka asxaabta badan ee dalku maanta geediga ku yahay.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed (Siilaanyo) wuxuu ka yeelay arrinta musharaxiinta sidii ugu wanaagsanayd, uguna dimuqraadisanayd, waayo UDUB, cidi kuma tartamin musharaxiinteeda ee Daahir Rayaale ayaa yidhi "aniga iyo ku xigeenkayga baa sharaxan, waana laga yeelay, UCID Faysal Cali Waraabe cidi lama tartamin, musharaxiisa madaxweynaha ku xigeenkana waa uuna magacaabay ee shirweyne-ba laguma dooran markaa waxaaba lagu canaantay Axmed Siilaanyo sida dimuqraadiyada iyo talo wadaaga ah ee uu sameeyay, maadaama ay u muuqato dadkeenu inay ku duryaan wanaagga iyo dimuqraadiyada isaga oo go’aansan karayay in ciddii uu doono u qaato musharaxiisa madaxweyne ku xigeenka sida Rayaale iyo Faysal.

Arrinta kale waxa weeye dacaayadda ay UDUB ka samanayso mujaahidiinta waaweyn ee ku soo biiray KULMIYE, oo bulshada lagu baqo gelinayo. Raggaasi waa rag dalka u soo halgamay, nabadayntiisa iyo dhismaha dawladnimadiisana kaalin wayn ka soo qaatay, waa raggi shalay UDUB baayacaysay ee ay qiimo kasta (xil, lacag, iwm) ku wayday ee ASAD ahaa. Waxa isweydiin leh maxaa Saleebaan Gaal iyo intii la socotay ee ku biirtay UDUB ka dhigay libaax rabaayad ah, sida madaxweyne ku xigeemku sheegay, C/Raxmaan Aw Cali iyo Maxamed Kaahin iyo ragga la socda ee ku biiray KULMIYE-na ka dhigay libaax sayn leh oo laga baqo.

Dagaal nin la dhashay ma jiro iyo nin ku caana maalaa, haddii cidi ku calaamadaysan tahayna Saleebaan-ba maanta waa UDUB, C/Raxmaan Tuurna waxa la lahaa UDUB-baa u yeedhatay xaalkuna "Waa afna daayo." 

Yuusuf Xasan C/laahi
Hargeysa

Top


Tarbiyada Carruurta Waxay Ka Timaadaa Waalidka

Asal ahaan tarbiyadda caruurta waxa ay ka timaada waalidka dhalay, furana u haya xumaanta ay la kacayaan iyo wanaaga ay la kacayaan. Haddaba waxaad arkaysaa ilmo yar oo caayaya iska daa cid kaloo waalidka dhalay oo wax aan afkaa laga sheegi karin ku odhanaya islamarkaana aanu sidaa u eegaynin oo caado u noqotay in ilmaha yari cayddaas uu caadaysto iyo waxyaabo badan oo la halmaala.

Waxa kale oo iyaduna jirta in ilmihi yaraa waxa uu doono sameeyo xataa aanu ka amar qaadan waalidka dhalay oo uu suuqiisa iska galo kaas oo raacaya caruurta iyagu suuqa jooga ah ee isticmaala waxyaabaha maandooriyaha ah sida sigaarka, qaadka, tiidharka ama xabagta iyo kuwo la hal maala.

Haddaba marka uu isticmaalo maandooriyaha ilmaha yari aakhirka kama soo hadhayo oo sidaa ayuu ku xumaanayaa.

Waa su’aasha koowaad maxaa ilmaha heerkaa xun ee aynu soo tilmaanay gaadhsiiyay?

Waxa taas ugu wacan labada waalid oo iyagu marwalba is aflagaadeeya oo isku buuqaya markasta oo ay guriga wada joogaan ka dib waxa ku abuurmaya ilma yar oo dhagihiisa ku badanaya afxumada ay isweydaarsanayaan labada waalid.

Dilmo badan oo ay marwalba dilayaan ilmaha ay dhaleen kuwaas oo aan hab saykooljiya kula soconayn, baahi soo food saarta oo laga yaabo in aanu shaqaynin aabuhu se, hooyadu biday subaxdii u baxdo soo hoyatana habeenkii.

Iyada oo raadinaysa xaqal daruurigoodii ama masaariiftii ay ku noolaan lahaayeen. Sida runta ahna aabahau uma qaban karo sida hooyadu u qabato.

Sidee ayaa waalidka uga heli lahaayeen tarbiyada, marka koowaad marka si wada jir ah oo fiican u wada noolaada.

In aanu ilmaha yari ogaan, oo aanu maqlin waxa idin dhexmara labada waalid.

Haddaba waxa la doonayaa oo meesha taala in marka hore la baro tarbiyada iyo qur’aanka kariimka ah iyo salaada, waa inaad bartaa wax xun iyo waxa wanaagsan sida ay yihiin.

In aanad dilmada ku badin sababtoo ah waa uu kusii fogaanayaa, ta labaad waxa ku dhacaya fahmo xumo iyo baqasho marwalba ciyaalka, iyo waliba in uu saso marka uu hurdo.

Waa in marwalba aad tijaabisaa in aad eegto waxa loo dhigo, oo aad fahamsiiso haddaanad garanayn u qabato qof guriga wax ugu dhiga.

Axmed Cali Sh. Muxumed
Hargeysa

Top


Been Abuur Lagu Baahiyay Wargeyska Jamhuuriya

Tixraac warkii ku soo baxay Jamhuuriya oo ay qoreen niman sheegtay in ay masuuliyiin ka ahaayeen xisbiga KULMIYE taasoo ahayd been aan sal iyo raad toona lahayn oo ay ku raadsanayaan sumcad raadis lagu majara habaabinayo shacbiga iyo taageerayaasha waxaa aan u arkaa in ay yihiin nin dilaala iyo niman la iibinayo balse waxaan cadaynayaa in xisbigu leeyahay calaamaddo badan oo lagu aqoonsan karo xubnaha iyo masuuliyiinta xisbig taas oo ay ka mid tahay sida kaadhadhka sawirka qofku ka muuqdo iyo bilado iyo tiro raqama oo qeexaya soo galidii horaaneed ee ururka taasoo lagu garan karo waqtigii iyo halka uu kaga yaal, markaasi waxaan u soo jeedinayaa cida ay rayigiisa gudbinayaan waxaase iska jira dad ururada iska soo hoomaya qadiyadoodu tahay hunguri dhuuniyaysan oo kolba urur is hortuba oo aan xadlahay waxaan idiin cadaynayaa inaan ururka ka mid ahayn doorashadu ururkuna u dhacday si cadaalada.

Madaxa guud ee ururkan wax I yiilay oo gaari jirin balse gole dhexe arrinkan gaar u lahaa oo si xalaala ah loo doortay musharaxa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkaba.

Xildhibaan C/Raxmaan X. Cismaan Xasan (Shaadh)
Hargeysa 

Top


Xisbiga KULMIYE oo go’aansaday

Hargeysa (Haatuf): Guddiga fulinta ee xisbiga KULMIYE ayaa go’aansaday inay haweenka siiyaan 30 xubnood oo ka mid noqonaya golaha dhexe oo ah xubno cusub, iyagoo ku xusaya maalinta 8-da March ee haweenka adduunka oo shalay laga xusay Somaliland, kadib markii ay habeenkii xalay shir isugu yimaadeen.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu xisbigu arrintan kasoo saaray waxa kale oo ay Guddiga fulintu go’aan ku gaadheen in Baarlamanka la dooran doono dhawaan in xisbiga KULMIYE laga siiyo haweenka tiro u gaar ah oo aan raga lagaga darayn.

War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay xog-hayaha guud ee KULMIYE, Daa’uud M. Geele waxa lagu cadeeyay in ay arrintani ka dhalatay iyadoo la fulinayo ballan-qaadkii guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo uu ka bixiyay xafladdii lagu xusayay maalinta haweenka ee shalay lagu qabtay Hoolka shirka ee Shaqaalaha Hargeysa, kaas oo ahaa in haweenka uu xisbiga KULMIYE ka siin doono kaalin weyn waxkasta oo la qabanayo.

Top


Ciidamada Maraykanka iyo Pakistan

Islama-bad (W.Wararka) - Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Pakistan ayaa guluf wadajir ah ku ekeeyay xuduuda ay wadaagaan dalalka Pakistan, Iiran iyo Afqaanistaan oo loo yaqaano saddex-geeska, iyagoo baadi-goobaya laba wiil oo uu dhalay hoggaamiyaha Al-qaacida Usaama bin Laden iyo kaaliyihiisa Ayman Dawaahiri.

Sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan Dawladda Pakistan hawsha baadi-goobka ah oo ka socota dhul qiyaas ahaan gaadhaya 400km2 oo ah xuduuda ay wadaagaan saddexdaa dal, iyadoo ay wadajir uga qaybqaadanayaan ciidamo isku-dhaf ah oo ay hoggaaminayaan ciidamo Pakistaaniyiin ahi iyo xubno ka socda Hay’adda sirdoonka Maraykanka (CIA).

Hawlgalka ay hore u qaadeen labada dhinac waxa ay keenta.

Hawlgalka ay hore u qaadeen labada dhinac waxa ay keentay inay ku guulaystaan hoggaamiye caan ah oo ka tirsan Al-qaacida oo ah Khaalid Sh. Maxamed, bishan horraanteedii oo la sheegay inay ka heleen macluumaad muhiim ah oo ay ka mid tahay in hoggaamiyaha labaad ee Al-qaacida Ayman Dawaahiri inuu ku dhuumanayo goob ka tirsan gobolka Panushtan oo ka tirsan Pakistan.
Waxa kale oo maalmahan soo baxayay warar sheegaya in ciidamada labada dhinac ay qaadeen hawlgal wadajir ah oo ay ku baadi-goobayaan Usaama bin Laden laftiisa oo lagu sheegay gobolkaas.

Sida uu sheegay mas’uulka reer Pakistan hawlaha wadajirka ah waa lasii wadayaa ilaa inta laga dhammaystirayo soo qabashada dhammaan xubnaha Al-qaacida.

Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Pakistan ayaa lagu qiyaasay ugu yaraan 6000 oo askarioo hawlgalkan ka qaybqaadanaya.

Dawladda Maraykanka ayaa iyadana laga soo xigtay inay sheegeen in haatan lagu daba-jiro Usaama bin Laden, iyagoo intaa ku daray inay qalab miletari oo dheeraad ah u diri doonaan gobolkaasi, si ay u soo qabtaan xubnaha Al-qaacida oo la sheegay inay firxad ku sugan yihiin. Balse wararkaas ilo madax-bannaani may xaqiijin.

Top


Wasiirka Daakhiliga Oo booqday Gebiley

Gebiley (Haatuf) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa jimcihii todobaadkii ina dhaafay booqasho hawleed ku tagay magaalada Gebiley iyo kala baydh isaga oo si gaar ah u booqday kastamaka qaadka lagu cashuuro ee Kalabaydh.

Sida uu ku soo waramayo weriyaha Haatuf ee degmada Gebiley Maxamed Xasan wasiirku waxa uu u booqday saldhiga booliska ee Gebiley kaas oo ay hoos yimaadaan dhamaan rugaha booliska ee degmada Gebiley wuxuuna halka ku arkay baahiyaha dhinaca adeega ciidanka booliska.

Booliska Gebiley hal baabuur oo xaajiyad ah ayay lahaayeen, laakiin baabuurkaasi hadda waa hawl gab, sidaa darteed wasiirka arimaha gudaha ayaa balan qaaday inuu si deg deg ah baabuur ugu keeni doono.

Sidoo kale waxa xafiisyada booliska Gebiley ka muuqda baahiyo badan, sida burbur xafiisyada ah iyo qalabka adeega xafiisyada oo hadda u liita ama aanay haysan, laakiin alaabooyinkaa laftooda wasiirku wuxuu sheegay inuu wax ka qaban doono, isagoo ugu horeyn balan qaaday inuu saldhiga booliska ee Gebiley u keeni doono hal kambuuyuutar, iyo hal teeb, isla markaana uu wax ka qaban doono dayactirka saldhiga Gebiley sida burburka daaqadaha iyo dhibaatooyinka dhinaca musqulaha ah, isagaoo sheegay inuu qodo doono musqulo ay maxaabiistu leeyihiin.

Intaa ka dib wasiirku wuxuu u gudbay magaalada Kalabaydh oo Gebiley ka xigta galbeed, wuxuuna ugu horeyn kormeer ku tagay kastamka Kala-baydh oo uu ka socdo hawl maalmeedkii cashuurta qaadku, iyada uu wasiirku cabaar u kuur galay sida ay hawsha kastamku u socoto.

Wasiirka waxa uu halkaa kula kulmay saraakiisha kastamka, isla markaana waxaa uu isha ku dhuftay ama loo sheegay baahiyaha ka jira adeega kastamka, waxaana ka mid ah baahiyaha muuqda mid ka mid ah laba baabuur oo uu kastamku leeyaha oo fadhiya, iyadoo uu kastamka Kalabaydh yaha xarun muhiim ah dhinaca dakhli soo saarka.

Hase yeeshee baahiyaha kale ee haysta kastamka Kalabaydh waxa ka mid ah musqulo la’aan taasina waxa ay keentay inay dadka ganacsatada ah ee kastamka isticmaala & shaqaaluhuba musqulo ay ku kaajaan ka dhigtay baco afka laga xidhay.

Ka dibna ku daadiyaan duleedada kastamka, laakiin arrintaas oo uu wasiirka daakhiligu uu la yaabay wuxuu yidhi "Dadka baayacmushtariga ah ee maalin walba bixiya kumanyaal shilin maaha inay waayaan meel ay hadhsadaan iyo suuli ay ku kaajaan oo ay isticmaalaan baco", laakiin wasiirka wuxuu sheegay saraakiisha wasaaradda maaliyada iyo booliska ka hawlgala kastamka Kalabaydh inay u soo gudbiyaana kharashka ku baxaya musqulaha meesha looga baahan yahay, isagoo sheegayinuu saamayn doono.

Ugu dambayn wasiirka daakhiligu isla galinkii dambe ee jimcihii ayuu dib ugu soo laabtay dhinaca Hargeysa.

Top


Dil-Dilaac

Mingistu: Buugga Oromaay markii aan akhriskiisa dhameeyay, ka dib waxaan markiiba u yeedhay Fiqra Salaase si aan wax uga waydiiyo. xiligii xaflada loo samaynayay xidhitaankii ololihii casaa Fiqra Salaase xataa Asmara muu iman, waayo aniga qofka igu xigay wuxuu ahaa Fiqra Salaase, sidaa darteed khasab ayay ahayd in midkaayo Addis Ababa ku hadho, markaa maadaama aan anigu Asmara tagay, isagu Addis Ababa ayuu joogay, laakiin inkastuu Addis Ababa joogay haddana wuu garanayay ama waa ogaa wixii Ereteriya ka dhacayay, isla markaana wuu ogaa masuuliyadii la siiyay xafiiska borobagaandada. 

Fiqra Salaase markaan u yeedhay waxaan waydiiyay sidee baa loo daabacay Buuggan, intaan la daabicin-se miyaadan arag, wuxuuna ku jawaabay, "Maan akhriyin ee waxaan isaga gudbiyay guddiga madbacada, waayo fursad aan ku akhriyo ayaan waayay" wuxuuna I tusay qoraalkii uu raaciyay, laakiin qoraalkaasi muu ahayn qoraal aad u habaysan ee wuxuu ahaa qoraal yar (note). Sidaa darteed guddigii madbacadu waxay isyidhaahdeen buuggani maadaama uu soo maray Fiqra Salaase waxa loo jeeda oo kaliya ama la idiinku soo gudbiyay sidii horeba aad gacanta u siin jirteen waxa la qorayo ee gacan siiya, ka dibna way daabaceen, isla markaana isma ay waydiin su’aasha leh hala daabaco iyo yaan la daabicin, waayo mar haddii uu Fiqra Salaase u soo gudbiyay waxay islahaayeen wuu dhan yahay ee idinku caawiya uun. Hase yeeshee waxaan isna u yeedhay gudoomiyaha guddida madbacada waxaana waydiiyay sida ay buuga u daabaceen, wuxuuna igu yidhi "Anagu habka qoraalka ee dhinaca farsamada ayaanu eegnay, taasna Ba’alu laftiisu wuu nala joogay, waananu ka wada shaqaynay, laakiin buugga in daabaco iyo inkale masuuliyadeeda wax amar ah oo naloo siiyay may jirin, isla markaana sababta guddigan loo aasaasay ma aha sidaa" , markaa guddigu maadaama ay sidaa ku jawaabeen, isla markaana aanay shaqadooda ahayn inay siyaasiyan qoraalada u baadhaan ee ay waxoodu yihiin dhinaca farsamada way adagtahay in khalad la saaro.

Ta kale iyadoo ay xaalada wadanku meel xun marayso ayaa la daabacay buugga "Oromaay", laakiin muhiimadu waxay tahay may jirin cid qudha oo markii hore islahayd wixii markii dambe dhacay way dhacayaan. Waxa kale oo aan isna u yeedhay Ba’alu waxaana ku idhi "Adigu waxaad ahayd ku xigeenka qaybta borobagaandada markaa ololihii xidigta casaa markii aad tagtay Asmara maxay ahaayeen wixii aad meesha ka fahamtay, marka laga soo bilaabo dadka rayidka ah, maamulada, askariga dablaha ah, generaalada khibradahoodu kala duwan yihiin, waayo ciidamo tiradoodu kumanaan gaadhayso ayaa hawl galay, iyagoo aagag kala duwan galay halkaana dad badan baa dhiigoodii ku daatay, dad badan baa dhididkoodii ku daatay, wuxuuna ahaa halgan ay dad fara badan ka qaybgaleen, markaa miyaad ogtahay natiijooyinka halganadaas oo dhan, ta kale arrintu ma ahayn hawlgal aad kaligaa samaysay, isla markaana taariikhdaasi waxay ahayd mid uu leeyahay kacaanka Itoobiya, adigana laguugu diray inaad isku soo habayso oo aad taariikhda galiso, markaa sideebaad adigu magacaaga ugu soo daabacday oo aad ugu ekeysiisay hawl aad adigu lahayd, ka dibna aad buugga uga daabacday" ka dib wuxuu ku jawaabay anigu sidaa umaan fahamsanayn, isla markaana ismaan lahayn sidan ayay arrintu noqon doontaa, laakiin imika marka aan dib uga fiirsaday waxaan ogaaday inaan khalad sameeyay", sidaa darteed Ba’alu wuu qirtay inuu khalad sameeyay, run ahaantiina khaladka u sameeyay mid yar muu ahayn, isla markaana buugga markii la soo daabacay durbadiiba suuqii oo dhan ayuu galay, balse anigu Ba’alu hal hal ayaan ugu sheegay khaladka uu sameeyay iyo inta uu le’egyahay, waxaana ku idhi "marka hore waxaad taariikhdii dalka u qortay sidii mid aad adigu iska leedahay oo kale, ta kale marka aynu buugga sii guda galno waxaa ku qoran arrimo aad u waaweyn, dad fara badan, waxyaalo badanina way ka dhiman yihiin, waayo tusaale ahaan waxa jira dad fara badan oo dhiigoodii dalka u daatay, waxa kale oo jira intaas oo qof oo si xun dalka ugu dhaawacmay kuwaas oo aan geeri iyo nolol midna ahayn, markaa iyadoo aanay hawlahaasi weli dhamaanin sideebaad u samaysay waxaas oo dhan, adigoo ka dhigaya kaftan iyo qos-qosol, taasi ma wax loo baahnaa baa, ta kale la raaxaysiga dumarka, is guursiga dumarka, khamri wada cabka iyo waxyaalaha la midka ah ee aad qoraaalkaaga ku dartay sidee bay meel ula galayaan halganadii aanu ku soo jirnay, anagu ma tamashle ayaanu u tagnay Asmara iyo meelaha la midka ah, mise waxaanu u tagnay inaanu naago soo guurguursano ama khamri soo wada cabno, miyaanay ahayn wixii aanu meesha u tagnay midnimada wadanka, sidaasna uu dhiigayagu ku daatay, isla markaana lafahayagu ku burbureen, sidee baad sawirka noocaas ah nooga bixisay, bal tusaale ahaan adigaagani khamrina maad soo cabayn, cidna lamaad seexanayn ee sidee baad maskaxdaada ula tashan kari wayday, runtii dhamaantayo dhibaato ayaad madaxa noo galisay, buuggiina inta la daabacay ayaa la qaybiyay oo suuqa ayuu ku jiraa, markaa imika waa maxay waxa la yeelayaa". 

Hase yeeshee Ba’alu wuu yiqiinsaday khaladaadkii uu sameeyay oo dhan, wuxuuna yidhi "Khalad baan sameeyay, waayo sidaad adiguba sheegtay buuggii waa la daabacay oo suuquu ku jiraa, markaa wixii ciqaab ah ee la I saaro raali baan ka ahay, waayo khaladka anigaa leh", sidaa darteed waxaan garawsaday inaanu ninkaasi (Ba’alu) qorista buuggaa ula jeedin inuu kacaanka ku xumeeyo ama uu cid ku waxyeeleeyo, laakiin waxa laga yaabaa inuu magac doon ahaa oo uu islahaa sidan sharaf ku yeelo, balse may jirin wax guul siyaasadeed ama ujeedo siyaasadeed oo uu islahaa buuggan ka gaadh, markase dhinac laga eego buuqa uu buuggani dhaliyay muu ahayn mid yar, sidaa darteed waan garan waayay wax aan sameeyo. 

La soco...

Top


Jilba dhiig

Waa qiso jacayl ah oo ka hadlaysa, waayo jacayl oo dhexmaray wiil dhalinyaro ah iyo gabadh u dhashay Somaliland, laakiin qisadaasi inkasta oo xambaarsantahay waayo jacayl, haddana waxa weheliya waaqic dhab ah oo dhacay, kaas oo soo maray marxalado kala duduwan oo ay mid waliba leedahay muuqaal iyo xiiso gaar ah, dhinaca kalena murugo ku dhamaanaysa, isla markaana qisadan la magac baxday Jilba Dhiig waxay galaafatay ilaa afar dhalinyaro ah oo uu midba meel ka soo qabsaday jaranjarada waayaha jacaylka. Hase yeeshee sida ay wax u dhaceen, marxaladaha ay sheekadu martay iyo halkay ku dhamaatay waxaad kaga dhergi doontaa bogaga wargeyska Haatuf oo ay sheekadani si joogto ah ugu soo bixi doonto, laga bilaabo maanta ilaa muddo bil gaadhaysa.

Sheekadan run ahaantii waa mid aad u xiiso badan, isla markaana xambaarsan qisas ay midi mid ka xiiso badantahay, sidaa darteed yaanu kaa gedman geedi socodkeedu ama taxaneheedu.

Sheekadan waxa qoray, iskuna soo duba riday Xasan Faarax Maxamed oo ah nin dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah, isla markaana ah nin da’ yar oo qoraa ah, waxaana tifaftiray A. Ducaale, sidoo kale waxa isna qoraalka kombiyuutarka kala bogtay M/Amin Jibril.

Haddaba akhriste berri subax nala kabo tuduca u horeeya qisadan xiisaha iyo yaabka leh, ee la magac baxday Jilba Dhiig, waa su’aal isweydiin leh sababta ay ula baxday Jilba Dhiig oo marka aad eegto noqonaya magac naxdin leh, laakiin su’aasha jawaabteeda waxaynu ka heli doonaa safxadaha uu ka kooban yahay qoraalka qisadani, sidaa darteed akhristayaashayada waxaanu leenahay "shifo ku afsaar oo shar kuuma leh", waana inoo berrito iyo qaybtii u horeysay ee qisada Jilba Dhiig.

La Soco...

Top


Garta Xeer-beegti iyo Xeerarka Soomaalida

Mawduucan waxa qoray soona ururiyay Cabdi Maxamed Xirsi (C/Salaan Caara-dhuub) oo ah nin dhaqanyahan ah isla markaana ah abwaan dhinaca gabayada iyo guud ahaan suugaanta ku af dheer, taas oo ay noo suurta gashay inaanu ka lisno mawduucan murtida badan xambaarsan oo uu in muddo ah ururintiisa ka shaqaynayay, laakiin dhinaca kalena waxa tifaftirka kala qayb qaatay bahda Haatuf, iyadoo uu mawduucani si joogto ah maalin walba ugu soo bixi doono bogaga wargeyska Haatuf.

Mawduucan la magac baxay Garta Xeer-beegti iyo xeerarka Soomaalida waxa uu ku saabsan yahay garnaqsigii dhinaca dhaqanka ee Soomaalida iyo xeerarkii lagu dabakhi jiray marka ay yimaadaan dhibaatooyin iyo isqabsiyo u baahda in xal loo helo iyo in la kala saaro dadka ay arrimuhu dhexmareen. Sidaa darteed waxa taas oo kale la yidhaahdaa Garnaqsi waxaana loo saaraa guddi-dhaqameed loo yaqaan xeer beegti, sidoo kale xeerarka ay garahooda ku dabakhaan oo ah xeerarka u yaal beelaha ama qabaa’ilka ayay u cuskadaan gar-qaadkooda.

Sida la ogyahay ummad kasta khilaafaadka iyo iska horimaadyada dhexmara iyo xataa qaabka wada noolaanshahooda waxay u leeyihiin qaabab iyo xeerar ay u maraan, taas oo ay wixii dhibaato ahna ku xalilaan, wixii wada noolaansho ahna ku dabakhaan.

Dhibaatooyinka dhaca waxa jirta cid gaysata iyo cid xalisha, sidaa darteed guud ahaan Soomaalidu waxay hore u lahayd oo lagu yiqiin xeerar ay ku kala baxdo marka dhibaatooyin dhexmaraan, ama ay wax ku qaybsato marka dano dhexmaraan, hase yeeshee marka hoos loo sii daadego waxa laga yaabaa inay deegaamada iyo qabaa’ilku kala leeyihiin xeerar iyo qaab-dhaqameed kala duduwan, kuwaas oo laga yaabo inay guud ahaan iyo gaar ahaan qaarba si isku soo galaan. 

Marka laga hadlayo gar xeer-beegti ereyada la isticmaalo waxa ka mid ah gar-muslax, gar-cadaawe, jid, xeer, dacwe, igmasho, gudoon, samatalis, hadimo talis, maah maah, murti, jillaad, booli, didiif (dedafayn), jid-bixin, jid-bixiye, iyo ereyo kale oo badan oo aad ka dhex heli doonto sheekadadan, laakiin mawduucan oo ah mid aad xiiso badan oo xambaarsan macluumaad badan, isla markaana wax badan kaaga iftiiminaya xeerarkii iyo dhaqamadii nololeed ee mujtamaca soomaalida, iyadoo ay dadka reer Somaliland yihiin dad hodan ku ah hiddo samida dhaqanka iyo waliba balaaqada murtida suugaaneed, sidaa awgeed waxaanu u rajaynaynaa akhristayaashayada inay ka bogtaan mawduucan xiisaha badan oo aan hore noociisa oo kale loogu arag ama haddii lagu arkayna uu ku yaraa bogaga wargeysyada dalka ka soo baxa.

La soco cadadka dambe...

Top