Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 286 March 11, 2003

Xaflad Lagu Soo Af-Jaray Khilaafkii Golaha Deegaanka Gebilay

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Wasiirka Boosaha

Jaamacada Hargeysa Waxay U Xidhmaysaa Maamul Xumo

Waxaanu Taageersanahay Xukuumadda

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

"Hogaanka KULMIYE Ma Maanta Ayay La Fool-Xumaatay La Shaqaynta UDUB, Sawkii..."

Ambassador Cawil Oo Si Kulul U Cambaareeyay Xisbiga KULMIYE

Sida Erayga Carab Iyo Sawaaxil Yihiin ayuu Erayga Soomaalina la Meeqaan yahay

Ma Xaq Baa, Mise Waa Xaq Darro?

Falsafadda Siyaasadda Somaliland

RAADYOW MA QALOOCSHE

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Miisaaniyadda 2003: Sharaxa Wasiirka Iyo Xisaabaha Is-Qardhaafsan

Garta xeer-beegti iyo xeerarka somalida

Jilbo-Dhiig


Xaflad Lagu Soo Af-Jaray Khilaafkii Golaha Deegaanka Gebilay

Hargeysa (Haatuf): Xaflad lagu soo af-jaray khilaafkii golaha deegaanka ee Gebilay, laguna maamuusay doorashada maayorka Gebilay ayaa maalintii Arbacadii lagu qabtay Baar Xaraf oo ku yaala Hargeysa.

Xafladdaasi oo ahayd mid aad u ballaadhan waxa ka qaybgalay Wasiirka waxbarashada Md. Cismaan Xasan Mire, wasiiru-dawlaha Hawlaha guud, Md. Aadan Maxamuud Diiriye (Aadan Ruush) oo isagu lahaa qabanqaabada xafladda, waxa kaloo ka qaybgalay mas’uuliyiinta maamulka, xubno ka tirsan golaha deegaanka iyo odayaasha deegaanka Gebilay ee ka qaybqaatay xallinta arrintaasi, waxaanay ku dhacday jawi farxad ah iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumaddu.

Waxaana khilaafkan lasoo af-jaray markii ay dhexgaleen Wasiirka waxbarashada Cismaan Xasan Mire iyo wasiiru-dawlaha hawlaha guud, Aadan Ruush oo ay weheliyaan odayaal kale oo ka tirsan deegaanka Gebilay.

Top


Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Wasiirka Boosaha

Hargeysa (Haatuf): mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wasiirka cusub ee boosaha iyo isgaadhsiinta, mudane Xasan Cabdi Khayre, ka dib markii uu horyimi golaha wakiilada si loo ansixiyo. Laakiin markii uu shirgudoonku ku dhawaaqay inay gacanta taagaan inta ogol inuu Xasan Cabdi Khayre ahaado wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta dhammaan mudanayaashii madasha fadhiyey oo ay tiradoodu ahayd 51 mudane codka ogol ayey ku aqbaleen, taas oo aanu jirin hal mudane oo diiday iyo hal mudane oo ka aamusay toona.

Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta dawladda Somaliland, Mudane Xasan Cabdi Khayre oo uu Madaxweyne Rayaale jagadaa u magacaabay dabayaaqadii sannadkii hore, laakiin uu sharcigu yahay in magacaabidda Madaxweynaha ka dib ay wakiiladu ogolaadaan ayaa shalay markii u horaysay golaha wakiilada horyimi, waxaana ugu horan madasha laga akhriyey taxanihii waxbarasho iyo waaya-aragnimadii shaqo ee wasiirka boosaha Xasan Cabdi Khayre, iyadoo uu Xasan ka mid yahay ragii siyaasadda hore ugu soo jiray, isla markaana xukuumadihii isaga dambeeyey dalkii jamhuuriyadda Somaliyeed xilal kala duwan ka soo qabtay. Sidoo kale waxa uu sannadihii u dambeeyey xubin firfircoon ka ahaa ururkii mucaaradka mudada dheer ahaa ee ASAD. 

Top


Jaamacada Hargeysa Waxay U Xidhmaysaa Maamul Xumo

Jaamacada Hargeysa oo fikirka ah in la sameeyo ay soo baxday markii ugu horeysay 1999-kii, taasoo ay ka dambaysay markii la furay jaamacadda Boorame (Camuud) 1998-kii dabayaaqadiisii, laakiin jaamacadda Hargeysa waxa la furay Feb 2000, waxaanay furnayd 3 sanadood, jaamacadda Hargeysa waxa lagu furay caadifad aan sal lahayn, iyadoo laga hinaasay markii la yidhi reer Boorama ayaa jaamacad samaystay haddaanay sidaa arrintu ahayn markii hore ayaa laga fekeri lahaa, oo la furi lahaa jaamacad laga sameeyo Hargeysa. Maantana jaamacada Hargeysa labadii sanadood ee hore mooyaane, sanadkan dambe oo dhan waxa ka socdaa ma jiraan oo hawl la sheegi karo.

Guddiga jaamacadu lahayd oo ka koobnaa 25 qof oo isugu jiray qaybo kala duwan oo bulshada ah oo ay ka mid yihiin xubno dawladda ka tirsan, magac ahaan ayuun bay u jiraan wax allaale wax ay jaamacadda ka ogyihiin-se ma jirto.

Haddaba waxay u baahantahay jaamacaddu talo, caqli wanaagsan oo lagu maamulo, waxaanan ku talo bixin lahaa arrimahan hoos ku qoran:

  1. In Gudoomiyaha Jaamacadda loo magacaabo qof dhalinyaro ah aqoonyahan ah, shaqadan takhasus u leh.

  2. In Guddiga jaamacadda (Board) gudoomiyahoodu uu si deg deg ah isugu yeedho xubnaha guddiga intii shirkaas ka soo qayb geli waydana laga qaado xubinimada oo lagu bedelo cid kale oo hawshaas u diyaar ah.

  3. In Guddiga jaamacadda oo tiradiisu tahay 25 qof lagu soo koobo 15 ruux ugu badnaan oo isugu jira aqoonyahano, iyo xubno ka tirsan saddexda gole ee qaranka iyo xubno ganacsatada ka tirsan, iyo xubno ka tirsan qurba jooga Somaliland ee dibada

  4. In lacagta fiiga ah ee ardayda jaamacadda laga qaado oo imika badan hoos loo dhigo.

  5. In Macalimiinta digriiga sare sitay oo intooda badani ay ka tageen Jaamacadda markay u adkaysan waayeen maamul xumada mushaharkiina si wanaagsan loo siin waayay in laga codsado in ay dib ugu soo noqdaan Jaamacadda.

  6. Madaxweyne Rayaale oo intii uu xilka hayay dhawr jeer loo keenay qoraalo lagaga hadlayo Jaamacadda sida xaalkeedu yahay iyo maamul xumada ka jirtaba, madaxweyne marnaba kamaad hadlin sidii wax looga qaban lahaa jaamacadda Hargeysa, ma waxaad sugaysaa uun in lagu yidhaahdo way xidhantay Jaamacaddii Hargeysa

  7. Qurba Jooga reer Somaliland oo wadaniyad badan muujiyay muddadii ay jaamacadu furnayd waa in ay ka fiirsadaan waxyaalaha ay u soo dirayaan ee qalab iyo dhaqaaleba leh, inta laga hagaajinayo maamulka jaamacadda.

  8. Waa in dawladdu si toos ah u soo fara galisaa, Jaamacadda, hadday noqoto madaxtooyadda, iyo Wasaaradda waxbarashadaba.

  9. Waa In Wasaaradda waxbarashada lagu daraa agaasinka ama agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada, taasoo maamulaysa jaamacaddaha dalka.

  10. Waa in si deg deg ah loo siiyaa mushaharooyinkooda macalimiinta, imika ka shaqeeya Jaamacadda Hargeysa, kuwaasoo muddo 3 bilood ah aan qaadan wax mushahar ah.

  11. Waa in ardayda markii hore jaamacadda ku jirta oo aad u fara badnayd, imikana ay tiro yari ku sugantahay jaamacadda waa in lagu wacyi galiyaa laguna dhiiryaa siday jaamacadda ugu soo noqon lahaayeen, maadaama ay niyad jab uga tagaan.

  12. Waa in la joojiyaa Jaamacadda shirarka joogtada ah ee had iyo goor aynu ku aragno jaraa’idka ama ka maqalo raadyowga, iyadoo la ii sheegay in lacag laga qaato shirarkaas, jaamacaduna maaha goob shirar iyo siminaaro iwm. Loogu talo galay ee waa goob waxbarasho.

  13. Xukuumaddu waa in ay miisaaniyadda ku darsataa sanad walba dhaqaale jaamacadaha dalka ay ku kabto, iyadoo laga bilaabayo sanadkan.

  14. Cali Qaadi oo Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa waxa haboon in laga dhigo gudoomiyaha guddiga caafimaadka qaranka.

Arrintaasna waa in caadifadda laga daayo oo si wanaagsan loo maamulaa oo caqli saliim ah lagu maamulaa.

Ismaaciil C/Raxmaan Cumar Xaashi, Hargeysa

Top


Waxaanu Taageersanahay Xukuumadda

Baaq Odayaal

Anaga oo ka mid ah odayaasha iyo wax garadka beesha Soolamadow waxaanu marka hore taageero buuxda siinaynaa jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, gaar ahaan xukuumadda maanta talada haysa ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana waxaanu ka soo horjeednaa wax kasta oo lid ku ah jiritaanka iyo madax-banaanida Somaliland, laakiin waxaanu xukuumadda talada haysa iyo bulshoweynta reer Somaliland inay beeshu degan tahay degaan aad u balaadhan, waxa kale oo ay beeshu leedahay madax-dhaqameed iyo guurti ay talada beeshu hoos timaado, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ergooyinkii la kulmay Madaxweyne Daahir Rayaale ee uu martiqaadka u fidiyey. Hase yeeshee waxaanu xukuumadda iyo Madaxweyne Rayaale dareen siinaynaa inay jiraan niman danaystayaal ah oo doonaya inay marin-habaabiyaan heshiishkii u dhexeeyey xukuumadda iyo beesha si ay danahooda uga fushadaan, halkaana uu ku wiiqmo ballanqaadkii beesha iyo Madaxweynaha. Sidaa darteed xukuumadda iyo madaxda sharafta leh waxaanu ku boorinaynaa inay iska ilaaliyaan wixii aan waafaqsanayn ballamihii iyo kalsoonidii u dhexaysay beesha iyo xukuumadda, kooxahaasna waxaanu leenahay beeshu maanta uma baahna wax diban-daabyeeya ee waxay u baahan tahay wax danaheeda ka shaqeeya.

Magacyada qoraalka saxeexay

  1. Jaamac Maxamed Cabdi

  2. Cumar Maxamud Muuse

  3. Cabdi Axmed Yaasiin

  4. Cabdi Barre Cawed

  5. Axmed Cali Axmed

  6. Faarax Sii-arag Raage

  7. Maxamed Saalax Ducaale

  8. Cabdi Ayax Cawed

  9. Jaamac Aadan Maxamed

  10. Ismaaciil X. Maxamed

  11. Aadan Cali Cartan

  12. Siciid Maygaag

  13. C/laahi Cilmi

  14. Kayse Maxamed

  15. Maxamud Maxamed iyo

  16. Maxamed Xuseen.

Top


Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

"Dalalkii Aanu Soo Marnay Waxaanu Ka Helnay Ballan-Qaadyo Ah Inay Taageerayaan Doorashooyinka" - Faysal Cali Waraabe 

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha Xisbiga UCID, isla markaana ah musharaxa xisbigaasi ee jagada Madaxtinimada dalka, Faysal Cali Waraabe oo dhawaanahanba ku maqnaa socdaal dibada ah, ayaa maalintii shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Gudoomiyaha oo subaxnimadii ka soo degay Madaarka Hargeysa, waxa soo dhaweyntiisa ka qaybgalay mas’uuliyiiin sarsare oo ka tirsan xisbiga UCID iyo taageerayaal farabadan oo ka socday laamaha xisbigaasi uu ku leeyahay Hargeysa, kuwaas oo gudoomiyaha u soo galbiyay gudaha magaalada, iyaga oo ku soo wareejiyay wadooyinka waaweyn ee magalada. 
Faysal Cali Waraabe oo saxaafadda ugu waramayey Madaarka, kadib markii uu soo degay, ayaa ka waramay ujeedadii socdaalkiisii uu ku soo maray wadamo ka tirsan Yurub, doorashooyinka lagu wado in ay dhawaan dalka ka dhacaan iyo arrimo kale.

Ugu horeyn, isaga oo ka waramaya socdaalkiisii, waxa uu sheegay in dalalka uu soo maray uu kala soo hadlay Madaxdooda qadiyada Somaliland iyo xaaladda haatan uu dalku marayo, balanqaadyona uu ka soo helay sidii ay wax ula qaban lahaayeen Somaliland.

"Waxaanu adduunka ka soo dhaadhicinay marxaladda fiican ee ay Somaliland marayso, ballanqaadyana wanu soo helnay, gaar ahaana Norway iyo Ingiriiska. Arrinta sida gaarka ah aanu uga codsanay in ay naga caawiyaan waa doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan dhawaan," ayuu yidhi Faysal Cali, isaga oo intaa ku daray in haddii ay doorashada Madaxtinimadu ay u dhacdo si haboon in arrinta Somaliland ay leedahay rajo aad u weyn.

Gudoomiyuhu isaga oo ka waramaya hindise uu dhawaan soo bandhigay oo ahaa dhexdhexaadinta kooxaha Soomaaliya, waxa uu sheegay in ujeedadiisu ay ahayd in dalka Soomaaliya oo aynu jaarnahay ay dani inoogu jirto inuu noqdo dal deggan, hindisihiisuna uu yahay in arrintaa si tartiib ah loo bilaabo.

Ugu dambayn, waxa uu u rajeeyay in ay doorashooyinka soo socdaa u dhacaan si nabad iyo guul ah.

Top


"Hogaanka KULMIYE Ma Maanta Ayay La Fool-Xumaatay La Shaqaynta UDUB, Sawkii..."

Af-Hayeen U Hadlay ASAD (Saleebaan-Gaal)

Hargeysa (Haatuf): Af-hayeen u hadlay ururkii ASAD, qaybtiisii ku biirtay xisbiga UDUB ee uu hoggaaminayay Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa jawaab ka bixiyay hadal hore uga soo yeedhay af-hayeen u hadlay xisbiga KULMIYE oo uu ku saabsanaa ku biiristii Saleebaan-gaal ee xisbiga UDUB oo hore ugu soo baxay wargeyska Haatuf.

Af-hayeenka u hadlay Saleebaan-gaal oo la yidhaa Farxaan Maxamed Cali war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu u qornaa sidan: 

"Jawaab u socota war-saxaafadeedkii KULMIYE ee ku qornaa Journal-ka Haatuf 04/03/2003, ee u qornaa sida anshaxa iyo asluubta Siyaasadda ka baxsan.

Marka hore waxba odhan mayno, af-hayeenka ku sawiraa qoraalka KULMIYE ee ay ka muuqanaysay in loo dhiibay odhaahda, waayo, isaga marnaba kumaanaan kulmin goobaha arrimahan uu ka hadlay lagaga wadahadlay.

Anaga oo aan jeclayn in lagu yooyootamo saxaafadda, haddana KULMIYE oo beryahanba caado ka dhigtay in uu faafiyo dacaayado iyo been-abuuryo aan sal iyo raad-toona lahayn, oo uu ku jahwareerinayo ama marin habaabinayo bulshada reer Somaliland iyo ra’yul-caamkaba, ayay lagama maarmaan noqotay in aanu bixino jawaabtan.

Haddii aan dib ugu soo noqono dulucda arrinkan, ASAD iyo KULMIYE waxaynu ka wada hadalnay, waxay ahaayeen arrimo mabdi’I ah.

ASAD ahaan waxay odhaahdayadii ahayd, doorashadii horena hala dhammaystiro, doorashadaa dambe ee Madaxweynaha iyo ku xigeenka yaan lagu degdegin ilaa inta xal loo helayo dhibaatooyinka ka jira gobollada Sool iyo Sanaag.

Iyada oo xubnaha KULMIYE nagala fadhiyey ee kulanka nagala qaybgalay aanay ku jirin cid ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ahi amaba Awdal ka mid ahi, odhaahdii KULMIYE waxay ahayd.

Bari 12 sanadood oo hore ayaa loo dabranaa oo wax badani dalkan kaga baaqday, maanta wixii ka dambeeya yaan loo garba-duubmin, dadka inta kale hala tixgeliyo.

Waxa kale oo weheliyay dhammaystirka doorashadii hore ee golaha deegaanka haddii aanu nahay KULMIYE oo xisbi u soo baxnay ayaad hoos noogu dhigaysaan oo idinka yeeli mayno, ee anaga na taageera, marka aynu ku guulaysano doorashada Madaxweynaha iy oku xigeenka, ayaynu raadin doonaa xalka gobollada Sool iyo Sanaag.

Saleebaan Maxamuud Aadan, intaas ayuunbuu ka hadlay, inta aanu UDUB kula midownayna mabda’ ahaan ka mid bay ahayd, yaanay cudur idinku noqonin ASAD iyo UDUB baa midoobay.
Malaha iminka ayaad kursigii xusuusateen oo aad doonaysaan inaad dhaliilihiina ku dabooshaan been iyo mala-awaal iyo beer laxawsi. Intaas haddaanu ku dhaafno, arrin kale haddii aan soo qaadno Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale xilkan uu hayo kuma cusba, horena muddo ilaa 5 sano ah ayuu xilka madax-weyne xigeenka JSL hayay. Xilkan madaxweynenimada wuxuu hayay muddo sannad ku dhow.

Weliba hoggaanka sare ee KULMIYE wuxuu ka mid ahaa raggii tartanka Madaxweyne ku xigeenka inay noqdaan u galay, ergo badana u dirtay in uu xilkaas siiyo, si uu u burburiyo xoogagii ASAD ee mucaaradka ahaa.

Maalintaas ku biirista UDUB iyo la shaqaynta Rayaale way la qurux badnayd hoggaanka sare ee KULMIYE, balse ku dhaleecaynta ASAD ay ku biirtay UDUB ma maanta ayay la fool-xumaatay, shalay waatii la qurux badnayde reer KULMIYE.

Si kastaba ha ahaatee, eedaymaha badan ee maanta laga sheegayo Madaxweyne Rayaale, waxay ku haboonaan lahayd in markii la dhaarinayay (laba goorba) lagu soo oogo, illayn xilka looma dhiibteene.

Maanta wax ka sheega iyo abaabulka kale ee Tolaayeyda ahi ee bulshada ragga qaarkii la dhex cararayaan waa arrin lagu kala kaxaynayo umadda, burburina ku ah jiritaanka JSL.
Inaga oo og in aynu soo marnay Saddex xilli oo kala duwan:

  1. Maalin beel waliba ay haysatay hubkeeda iyo ciidankeeda, si fududna ay iskugu dhici jireen laba beelood ciidankoodu.

  2. Waa tii hab-beeleedka wax lagu qaybsaday sida golayaasha Qaranka ee maanta jira, ciidan beeleedkiina la mideeyay oo laga dhigay ciidan qaran.

  3. Tan 3aad waa habka isbahaysiga axsaabta loogu gudbay ee maanta ku dhex jirno.

Haddaba reer KULMIYE, xaq ayay u leeyihiin inay dadka u gudbiyaan barnaamijkooda siyaasi, laakiin hab-dhaqanka ololaha siyaasadeed ee reer KULMIYE waa in aanu keenin inay kala didiyaan qayla-dhaantooda reeraysan beelihii ku walaaloobay JSL 1991, Burco.

Isla markaana aanay wiiqin geedi-socodka axsaabta adduunkoo dhami ku majeeranayo Somaliland."

Top


Ambassador Cawil Oo Si Kulul U Cambaareeyay Xisbiga KULMIYE

"Beesha Aan Kasoo Jeedo Cidi Kagama Jirto Xisbiga KULMIYE"

Hargeysa (Haatuf): Cawil X. Cali Ducaale oo hore u ahaan jiray Ambassador ayaa shalay jir-jaraa’id oo uu ku qabtay Huteelka Maansoor Hotel ee magaalada Hargeysa aad ugu dhaliilay xisbiga KULMIYE iyo guddoomiyihiisa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo guddoomiyihii ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), oo dhowaan garab ka mid ah ASAD oo uu hoggaaminayay ay la midoobeen xisbiga xukuumadda ee UDUB, laakiin Cawil waxa uu aad ugu dheeraaday dhaliisha KULMIYE iyo hoggaamiyihiisa, isla markaana wuxuu sheegay inuu KULMIYE yahay xisbi ay ka maqan yihiin beesha uu isagu kasoo jeedo ee Garxajis oo uu yidhi waxa kaga jiray beeshaa Faysal X. Jaamac, isaguna maalin dhoweyd ayuu ka baxay.

Cawil Xaaji, waxa uu isagoo dhaliisha musharixiinta ka hadlaya yidhi; "Waxa la rabaa ninka musharaxa ahi inuu ka reebanaado af-lagaado mid shaqsi iyo mid caamaba, ninka Madaxweynaha ahina wuxuu ka mudan yahay ixtiraam iyo sharaf, waayo wuxuu huwan yahay sharaftii umadda, waxaana lagu ixtiraamayaa jagada ee maaha qofka shaqsiyan isku dida, laakiin waa inaad isaga shaqsi ahaan wax uga sheegto.

Axmed marka uu sidaa u hadlayo malaha dadka waxa uu moodayaa elementary."

Cawil isagoo ka hadlaya xasuuqii lagu eedeeyay Madaxweyne Rayaale, waxa uu yidhi; "Xasuuqii dalkeena ka dhacay cidda ka dambaysay waynu ognahay, waxaynu isu sheegayno maaha maanta oo aynu ku jiro 2003, qofkuna inuu daacad arrimaha qaarkood ka noqdo ayaa loo baahan yahay, markaan anigu maanta xasuuqii nin reer Somaliland ah ku sheego waxaan qabaa in aanan daacad ka ahayn.

Xasuuqii maalintii khayriyada markaan arkay jariiradii, waxa xasuuqii dusha laga saaray Madaxweynaha maanta jooga, Siilaanyo wasiir buu ahaa subax walba Madaxweyne xigeen ayuu ahaa oo u salaamayay oo kursiga uga kacayay, mana sheegin, ninkaas qabo inuu dembi galay la shaqayn maayo muddo badan ayuu Siilaanyo wasiir ahaa doorashadii 1997-kiina wuu ka qaybgalay, maanta xasuuqu wuxuu noqonayaa mid miisaankiisu hoos u dhimay, waana dhibsaday anigu, in shuruud aanad cadayn karin aad nin jagada Madaxweyne u haya aad ku sheegto, waxay ila tahay inay arrin culus tahay, dadkeenuna waa dadkaa maalin ku noolka ah een berito lahayn shalay toona lahayn arrimahaasi aad bay ii dhibtay."

Waxaan qabaa tartanaa lagu jiraa in laysula yimaado barnaamijyo iyo wax-qabad oo ninka tartamayaa uu sheego wuxuu umadda u qaban doono, balse hadduu Dawladda dhalleecaynayo uu ku dhalleeceeyo waxay qaban weydo, waxay qabatana sheego, in wixii shaqsi laga dhigo maaha oo la yidhaahdo ninka ila tartamayaa elementary ayuu haystaa ana MA ayaan haystaa iyo meesha CV shaqo doon maahee ummad ayaa la hoggaaminayaa, waxaan qabaa nin dalkan jeceli kama aamuseen." Sidaa waxa yidhi Cawil X. Cali oo ka hadlayay dhaliilaha iyo eedo uu sheegay in dusha laga saaray Madaxweyne Rayaale.

Cawil waxa kale oo uu ka hadlay dhaliilaha uu xisbiga KULMIYE ku dhaliilo Madaxweyne Rayaale, oo uu sheegay in aanay ahayn mid macquul ah, isagoo yidhi; "Madaxweynuhu wuxuu arrintaa ka yeelay sidii ugu wanaagsanayd."

Mar uu ka hadlayay hoggaamiyaha KULMIYE, hadal uu dhawaan yidhi oo ahaa Edna hawga dego, wuxuu yidhi, "Hadday daacad ka tahay Siilaanyo waxay ahayd inuu u yeedho oo xisbigiisa kasoo sharraxo.

Axmed Siilaanyo ma uu isweydiin waxa ay beesha aan kasoo jeedaa ku diidan yihiin xisbigiisa. Ayuu is-weydiiyay Cawil X. Cali.

Top


Sida Erayga Carab Iyo Sawaaxil Yihiin ayuu Erayga Soomaalina la Meeqaan yahay

Qadar Alle ayay ahayd in qarankaygii aanu sida gaar ah u lahayn ee aanu mustacmarkii Ingiriiska ka xoreynay in si dhib yar oo jibbo wadaninimo ah aanu ugu qaadnay gaadhi dhigo dheer oo aanu haawaydii reer Koonfureed oo qoomamayn badan isku qabay aanu u noqonay dhaymo quman oo si kama damabays ah u qaboojisay, kuwaasi oo bedelkii si wada jir ah qaniimooyin xun xun igu qaabilay, calaacalkii halkaasi naga haystay iyo balbalkii waxaanu Ilaahay ugu mahad naqaynaa inuu dhiigayagii noogu hiiliyay oo ay dhabawday "Dadka dhawaaqayee dhulkooda doonayaa haddii ay u dhiidhiyeen allahayaw u dhiib"kaasoo aan maanta hoygaygii hadh wanaag aan dawladaystay una diyaar ahay difaaciisa mar labaad iyo wakhti walba.

Haddaba haawayda reer koonfureed iyo bahdii kale ee xukunka ku mamayba oo ujeedo badan laha, isla markaasina kala damac ahaa maxay dhinacooda u dawladaysan la’yihiin? Sababtu waxa weeye marka hore way is damac yaqaaniin, teeda kalena waxa meesha ka baxday hashii Maandeeq ee sararaheeda lagu kala dhuuman jiray, ta saddexaadna waxa eraygii Soomaali wuxuu u dhigan yahay erayga carab, sawaaxil, tan dambe haddii aan macneeyo dadka Soomaali la odhan jiray iyagoo kala qaloon amaba ka kale aanu ka shakiyin ayaa is aamini jiray marka lagu yidhaahdo waar nin Soomaaliyeed ayaan ahay. 

Waxa loo haystay in walaalka oo kale, balse muddo ka yar afartan sano ayay ku cadaatay inaan waxba laysku ahayn ee khaayimiin hoosta la soo gashay, magaca raacuna uu la yimid hagar-damariis, waana ta markii hore bilowgiisa reer Waqooyi hugoodii u haysan waayeen, markii dambena ay ku khasabtay in iyadoo la qaawan yahay, oo la gaajoonayo in xaroobo naf iyo maalba loo huray. Maanta markaas magaciisa soomaali ama hayb ha la yidhaahdo amaba luqad ha lagu sheego, wuxuu la meeqaan yahay eraygii Carabi, oo dadka carabna wada yihiin, af carbeedna ay ku wada hadlayaan haddana ay kala leeyihiin dalal iyo dawlado, sidaasi oo kale ayuu Sawaaxiliguna kala leeyahay dalal iskuna af ah wada Sawaaxilina ah. 

Markaas dadka isir Soomaali ka hadaaqaya ee reer Waqooyigii hore liqay ee magac Soomaali sinjiga loosoo dhawaystay ee waxa aan la maqal noo gaystay, waxaanu leenahay quwadii hore ee aanu leenahay quwadii hore ee aanu luqada iyo sinjiga aanu ku jeclayn waatii la jabiyay, iyana Ilaahayba jebiyay, wax Ilaahay jebiyaana ataar ma dhigo, markaasi haddii aad toban jeer Afsoomaali ku hadlayso, sidii ka quusto ha qoomamayn, quudba jira aan la cunin.

Maxamed Axmed cabdi (Faxam), Hargeysa

Top


Ma Xaq Baa, Mise Waa Xaq Darro?

Inta aynaan, guda gelin maqaalka waxaan qof walba, oo maqaalkan akhrista ka codsanayaa, madaxda masuulka iyo shicibamarka ay akhristaan maqaalkan in ay jawaabteeda helaan.
Oo aynu xaq darada iska qabano, xaqana isku taageero, laguna aadimo xaqa.Cidna aan xaqdarro lagu taageerin dawlad iyo shicib.

Haddii aan u soo noqdo maqaalka, waxaa magaalo madaxdeedana Hargeysa ka dhacay xadhig xaq darro cad ah, oo loo gaystay niman qariib ah oo socoto ah, oo safar ah, una iibkeenay xoolahooda sayladda furan ee xoolaha, loona adeegsaday nimankaas xidhidooda dirayska qiimaha badan ee booliska Somaliland.

Nimankaas oo xoolahooda ka soo safriyay kililka shanaad oo ay u dhasheen, xoolahoodiina ay wali joogaan sayladda, aniga oo ah ninkii xoolaha u hayay ee u iibinayay, markaan ka daba tagayna ee aan waraystayna waxaa la ii sheegay, inay u xidhan yihiin wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland.

Markaan wasaaradda arrimaha gudaha tagayna, nasiib darro lamaan kulmin, wasiirka, ka dibna waxaan la kulmay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, wuxuuna iigu jawaabay arjiga kaa qaban maayo, nimanka aad sheegaysona anagaa xidhnay.

Markii aan arrinta daba galayna waxaa la ii sheegay inay u xidhanyihiin aano hore, markaan arrinta baadhayna waxaan ogaaday in danbi shakhsi galay, loo -xidhay nimankan socotada ah, ninkii danbiga galayna ama loo haystayna laftiisuna uu askarta watay.

Taas oo ay maxkamadda gobolka Hargeysa hore arrinta nimankan loo xidhay u diiday, in ninkii danbiga la galay ku badasho, nin aan dambi galin.

Markii ay maxkamadda G. Hargeysa diidayna, loo adeegsaday oo laga wareegay.

Maxkamadda kale oo la yidhaahdo guddiga nabadgelyada.

Haddaba waxaan dadweynaha reer Somaliland ee 100% u codeeyay dastuurkeena waydiinayaa qodobka "Aano" miyuu ku jiray dastuurka aynu u codaynay?

Haddaba, tana waa la wada joogaa, taana waa la wada joogaa, haddaba dadweynow dhibka ka dhasha ee ka dhex dhaca labada shicib ee wada shaqaysanaya wadana yaal yaa ka masuul ah.
Waxaan ku soo gunaanadayaa oo aan ka codsanayaa shicibka JSL-ba in arrimaha noocaas ah fiiro gaar ah loo yeesho.

Tana wax laga qabto.

Muuse Cismaan Cigaal
Hargeysa

Top


Falsafadda Siyaasadda Somaliland 

Marka hore waxaan ku hanbalyeynayaa dhammaan musharaxiinta jagada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee xisbiyada qaranka, waxaanan si gaara usii hanbalyeynayaa Mudane Ahmed Mohamed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Aw Cali oo dhawaan xisbiga Kulmiye u doortay musharrixiinta labadaas jago. Sida ay qireen goob joogayaal dhex dhexaad ah oo uu kamid ahaa guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka mudane Ismaciil Jirde doorashadu waxay u dhacday si dimoqraadi ah.

Sidaan la socono jagada madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Kulmiye waxaa u sharraxnaa 6 musharrax oo badankoodu xisbiga kusoo biireen waxyar horteed intii aan la magacaabin musharrixiinta jagada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Waxaana gebagebadii isugu soo hadhay afar musharrax halkaasoo uu ku guulaysatay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mudane Cabdiraxmaan Aw Cali. 

Haddaba gari laba nin kagama wada qoslisee waxaa la yaab leh musharraxiintii kale oo aan ku qancin maxsuulkii doorashada, oo qaar kamid ahi yidhaahdeen xisbigii ay hadda kusoo biireen waan ka baxnay. Runtii qofkastaaba xaq buu u leeyahay inuu ku biiro xisbiguu doono, ama uu kabaxo markuu doono laakiin waa inaad marka horeba ku biirtaa xisbi aad ku kal soontahay kana tarjumaya afkaarta siyaasadeed ee aad aaminsantahay. Hawgu biirin xisbi si aad u qabato maskab, mabda ayaana ka qaalisan maskabka.

Waxaan aad ula yaabay qaar kamid ahaa xubnihii caddeeyey inay xisbiga Kulmiye ka baxeen oo olalahoodii markay jagada musharrixnimada u tartamayeen maskabka ammaano badan usoo jeediyey xisbiga oo qaarkood olale balaadhan qaadeen, sheegeena inay ugu soo biireen xisbiga markay ku qanceen ujeedooyinka iyo barnaamijka siyaasadeed, oo markii ay ujeedoodadii gaabnayd waayeena mar qudha mawqifkoodii badalay oo dhaleecayn ba,an usoo jeedinaaya xisbiga markaas waxaan uleeyahay SHIIKHOW ALIF WAX BUU LEEYAH IYO MALAHABA ADIGAA LAGAA HAYAA. 

Waxaan kaloo la soconay sannadihii sagaashanaadkii in qaar kamid ah siyaasiyiinta Somaliland oo qaarkood xilal sare dalka ka soo qabteen ay dafireen qaddiyaddii Somaliland ee ummaddu usoo halgantay oo u maskab doonteen Somaliya. Markaas arrimahaas arkana waxaan u arkaa inaan dadkeenu u bislaan nidaamka dimoqraadiga ah ee ku salaysan habka axbaabta badan. Sidoo kalena qaar badan oo siyiisiyiinta kamid ah ama aanay lahayn feker siyaasadeed ee u dhadhaqaan marba dhinaca dabayshu u dhacayso. 

Waxaana habboon in Bulshada reer Somaliland fahmaan falsafadda iyo hadafka xisbiyada siyaasadeed xisbina haku taageerin inaad adigu kaligaa maskab ka hesho, haddaad waydana tidhaahdo ka kale ee helay baan ka xaasidayaa hana ku socon falsafadda aad moodo inay ku salaysantahay siyaasadda Somaliland ee ah CADYAHAW KU CUNAY AMA KU CEEDIIYEY. Laakiin haddii jaaniskani hadda kuu suurageli waayey, ha quusan ee adigoon cidna canbaarayn ama aflaadayn iska sug fursad danbe. Haddii aad umalaynayso inaan sidaas dani kuugu jirina adigaan afkii hore ee aad ku aamintay, wax ku caayin aayar waxaad tidhaahdaa waa mahadsantihiin anigu waan idinka tegaye alla haydin garab galo.

Arrintan dhacday ee ay sameeyeen musharrixiintii Kulmiyana waxay ceeb ku tahay shakhsiyaadka sharraxnaa laftooda, waxaana dib udhac ku tahay hanaan socodka dimoqraadiyadda Somaliland. Waxaana habboon in arrimahan oo kale aanay dib udhicin. Shacbiga Somaliland indho iyo dhegay leeyihiin ay ku kala arkaan cidda dantooda wadda ee ay ku aamini karaan una igman karaan maskabka ugu sarreeya Maandeeq. 

Ugu danbayna waxaan u arkaa arrimahan aan kasoo hadalnay in horumar mooyee aanay dib udhac ku keenidoonin xisbiyada siyaasadda Somaliland ee curdinka ah, ku dhaqanka nidaamka axsaabta badinina waa inagu cusubina wuxuuna u baahan yahay waayo aragnimo iyo la qabsi. Waxaana habboon in bulshadu dhiirigeliso hanaqaadka xisbiyada siyaasadda si aan u gaadhno ujeedada aan hiigsanayno. 

Abdi Abdillahi Hassan, Holland

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE

A. A. Garas

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan maalka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq nuugga ah. Akhyaartayada afka yuubyuubanaw, waxaynu soo gaadhnay aminkiii aan idinku harqin jiray warkii dunida iyo kii daaradabaa, weriyaha maanta war bashaaqinaya waa Mr. war-gamuur.

Isagii Oo Afka Ka Xunbaynaya
Qaraar go’aan dhalay, ayaa kaga gariiriyay golahii sakaar-buur koonsilka, kadib markii dunidu ku kala safatay Ciraaq hala bubeeyo iyo hala baadho. Qaraarkaasi waxa khamriga isu dhamay dawladii dunida ugu jaafaajuglaysaanaa ama ugu murugyo kuusnaa, kuwaas oo si lama arag aha isugu tol iyo taag sheegtay.

Dalka Maraykanka oo ku miyir doorsoomay duullaan uu Ciraaq ku hinjiyo, Ingiriiska oo nacamlaynta la ibtiloobay, balse waxa sabaaxad ku xannibay dawladaha Faransaawiga, Ruushaawiga iyo Jarmal Jaamac wacays. 

Qoraalkaas waxa kuuliyo ka ah toban dal oo kale, Suuriya, Bagistaan, Angoola Arkir, Gini yaray, Jili Jaamac Siyaad iyo Migsiko marayar. Qaraarkan oo laysu adeegsaday cod iyo cudud fiito iyo faruuryo, faan iyo faataadhug, damdam iyo doolarba. Qaraarkaas ayaamahanba la weetaynayay ilaa saakadaasna la jiidjiiidayay Madaxweynaha Ruushaanka Mr. Fariid damiir, ayaa shalay sheegay amuurtaas inuu fiito ilkaha kaga qubi doono. Madaxweynaha Faransiiska Mr. Shaakir Shirkaan oo siyaasad gabawday Maraykanka ku daandaamiyay oo cirka ula baxay kurayda Maraykanka iyo Ingiriiska u taliya. 

Qaraarkan oo la doonayo in laba meelood loo kala goosto dawladda maraykanka oo doonaysa in dagaalka in ay doolar ku iibsato iyo Faransiiska oo doonaya inuu nabada maalgashado, iyadoo salayda lagu kala iibsanayo codka dawladaha yaryar ee codka ka ganacsada, mid ka mida kooxda Maraykanka ee ku taggan, ayaa dhababaco ku yimi saddexda wadan reer afrika cod xaraashayay, kaas oo ka codsaday in ay dagaalka doolar ku iibsadaan, isagoo u balan qaaday in wadanadooda Maraykanku mashaariic ku xagaafi doono, Kaamaruun iyo Gini oo hore Faransiiska ugu doonanaan jiray, ayaa la sheegay in nimankii Faransiisna u daba maray oo ku yidhi: "Sheeri shooki bookh," bi’I waaya e inagaa is af-naqaana oo is-gayna gunimo yaanay idin raacin.

Inkasta oo dantu dookha ka weyn tahay, haddana dawladda Angoola ayaa ilaa imika la sheegay in Maraykanku legdaday wallow wadaad yar oo dalkaa u dhashay yidhi, "Walaahi dagaalna wax la taageero maaha, doolar fartaag lagu helayaana wax la daayo maah." 

Dalka Maraykanka oo u duslaynaya inuu ilaa sideed cod ka iibsado, ayaa Faransiiska iyo Ruushkuna sheegeen in aanu shafsaarin Ciraaq oo fiito fiito dhashay kaga dhug siin doonaan. Dalka Maraykanka oo la sheegay in ay ku dhacday mayiiko dagaalka Ciraaq ahi, iyadoo dalka Ciraaq-na la soo baxay is miskiinin iyo siyaasad dhego nugul oo aanu lahaan jirin, taas oo iyaga haatan kor uga mudhay oo laga baqa qabo in gaalada waaweyni isku shuf beesho Ciraaq gumaad ku haysa gantaalo yar cimri degdegsanaaa, iyadoo hoostana ka diyaarsatay dumar farabadan oo askarta Maraykan hubka ka dhiga. Dalka Maraykanka oo qaraar iyo qaraar la’aanba ay ka go’an tahay inuu Ciraaq qanjidhka ku dhufto, isagoo wadamada carbeedna ka dhigtay bahalo uu u sii fuulfuulo hujuunka Ciraaq. Wadamada reer Yurubaan oo Maraykanka u yaqaanna xoogweyn oo Maskax yari hagto. 

Isagoo isaguna isu yaqaano madaxweynaha keliya ee dunida inuu noqdo, isagoo UN-kii oo uu kontonsano uu ku shaqaysan jirayna sheegay inuu xilligiisii dhaafay oo uu egesbaayir garoobay, isagoo golihii amaanka wixii la odhan jirayna doonaya in baabi’iyo oo sameeyo golihii dagaalka. Sida dadka siyaasadda khaawisaa sheegayaan dagaalkii dunida kalkiisii galay oo uu baaba’ayo xeerarkii iyo xuquuqdii hore loo dhigtay,waxaan la sheegayaa in marka dagaalka lagu kala jeel baxo wixii ku adkaadaa samaysan doonaan xeerar cusub. Maglisul amaanka oo haatan sii qiriricle, iyadoo hay’adaasi ka mid ahayd bahalaha laga soo saari waayay aqoonsigii shankaroonland, taas oo baabi’inteeda shankaroontu u damqanaynin, kaas oo ay ka mid noqon doonto hay’adda dambe ee soo baxaysa 2025, haddii rabi tusmo.

Xamar
Engii ooga ku meel gaadhka ah TNT, aya la sheegay in ay ku kala jabeen mashruuc cusub oo ay dhawaan ka heleen ururka Carabta. Cabdi-qasab oo weli qasabnimadisii sii wata ayaa u yeedhay ergooyinkii ka joogay sibirarka dalka Kiiniya uga socda Soomaaliya, amarkaas oo ka dambeeyay cawaandinimo amxaarada laga arkay, iyadoo Cabdi qasabna ku baaqay in laysugu yimaado shir qiyaastii aan u malaynayo inuu doonayo in qasbaaye-nimadiisii loo kordhiyo, maadaama ay gabaabsi tahay xilligeedii. 

Dawladda Itoobiya oo in dhawaalahanba lagu xamanayay in ay damaacisan tahay in qolafta Soomaaliya qabsato. Inkasta oo aanay jirin cid ka hortagi karta, iyadoo TNT-dii bahasha layidhaahdaana ka adagtahay Itoobiyaan Soomaali qabsanaysa oo keliya, inkasta oo xabashiga xabashida u taliyaa dhawaan sheegay in qabsina u aanu ee uu isaga goynayo gobolkii Itoobiya Soomaalidu ku lahayd oo xasaradiisii hayn la’ yahay. 

Soomaaliya oo dhawriyo toban sano dawladeedii sii mootanayd, ayaa ilaa imika dadkeedu u haystaan in ay nooshay oo waliba rag waaweyni isku dilayaan raqdaa cunideeda.
Dhegaystayaal maanta war intaa ayaa ku dabrayaa imikana waxaan hawada uga baxayaaa Asli Internet oo gabay idinka dibirin doonta.

Gabay
Waatu in badan qaylo iyo
Olol u taagnaaye,
Aakhirkii marykay gaadhay
Ee laysu urur sheegtay,
UDUB noqoy Saleebaan
Wuxuu ubateeyn jiraye,
Aduun baa la cunay iyo
Lawaa erayadiisiyee,
Waa kaa ardaagiyo
Fadhiya ila-xidhkeediiye,
Waa aakhir seben sheekadaadu
La aman kaagteene,
Ninkastoo adkaa jirey
Hadduu aadyar soo galiye,
Tuurkii arlada soo maree
Meel kastaba aaday,
Ee dhammaan SNM kala diree
Unugba meel geeyay,
Wuxu soo abraraaba
Hadduu ooda soo galaye,
Waxa laysku eedaynayaa
Waa anfac doone,
Ha iloobin weligaa
Ma jiro shay la amaaniye.

Axmed Yuusufkii buuqaye
Ololka reemayey,
Wuxuu olole kiciyaba
Markii laga il roonaaday,
Ee wasiirnimadii laga eryuu
Jiidhay oodaha’e,
Urur kale ku biir iyo
Dhullaan cidi kaa eegayne,
Idilkood kornayladii kalana
Waydin aragtaane
Nin waliba halkuu
Xal u arkuu
Aadanow galaye
Waxa laysku eedaynayaa
Waa anfac done
Ha iloobin weligaa
Mar jiro shay la aaminaaye.

RAADYOW 
MA QALOOCSHE
A. A. Garas
Waatu in badan qaylo iyo
Olol u taagnaaye,
Aakhirkii marykay gaadhay
Ee laysu urur sheegtay
UDUB noqoy Saleebaan,
Wuxuu ubateeyn jiraye,
Aduun baa la cunay iyo
Lawaa erayadiisiyee...

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 101 aad

Ganat: Waqtigii aad maamulka haysay dhibaatooyinkii aad la kulantay waxa la odhan karaa waxa ugu darnaa dagaalada ayey ahaayeen, dhibaatadaas-na waxay dadka u geysatay dhimasho badan iyo hoos u dhaca dhaqaale, laakiin hadana dagaaladaa guul lagama gaadhin, markaa waa maxay sababta ay ciidamadu u guul-daraysteen?

J: Sidee baa dagaalka laydinkaga adkaaday in afka laga yidhaahdo waa wax fudud, laakiin goobta dagaalka marka aad joogto dagaalku waxa uu yahay inaad aragto meesha ku jirta, waayo nin biyo milix leh oo qadhaadh cabaya, ciid dusheeda seexanaya, dhagaxna barkanaya, isla markaana dhaawac ah oo uu dhiigoodu qul-qulayo sidee bay xaaladiisu noqonaysaa, laakiin wax dagaal la yidhaahdaa inaanu wax fudud ahayn qof dagaal ka qayb galay ayuun baa garan kara.

Markii aanu kursiga gacanta ku dhignay ilaa ugu dambayntii dagaalo aan dhamaad lahayn ayaanu ku jirnay, taasina waxa ay ku dhacday dagaalyahanimo ma ahayne ee sidii aan horeba kuugu sheegay maadaama uu noo hirgeli waayey dedaalkayagii ahaa inaanu nabad dhalino ayey taasi ku timi, sidaa darteed maadaama aanu doonaynay inaanu sugno midnimada dalkayaga waxay ahayd arin daw ah inaanu sii wadno dagaalka, laakiin su’aasha ah maxaad u guulaysan waydeen jawaabteedu ma aha mid fudud, waayo waxa loo baahan yahay inaad sheekada gunteeda ogaato min bilow ilaa dhamaad. Waayo tusaale ahaan marka aanu dagaal sheegayno waxa laga yaabaa inay dadku u maleeyaan dagaal caadi ah oo dhexmarayey cadawyadii kacaanka ka soo horjeeday iyo colaaddii u dhexaysay bulshada iyo sidoo kale dagaaladii dhexmarayey jabhadihii gobanimodoonada ahaa iyo ciidamada, laakiin dagaalku wejiyaal kala duduwan ayuu lahaa.

Dhinaca kale waxa dhabarka nagu hayey xoogagga debedda (caalamka kale), taas oo ah inay gacanta si toos ah iyo si dad-ban labada noogula jireen cadawyada Itoobiya ee taariikhiga ahaa, kuwaas oo si badheedh ah iyo si qarsoodi ah-ba noola dagaalamayey, taasina waa wax la wada ogyahay inay cadawyadaasi intaas oo sannadood dedaal ugu jireen sidii ay Itoobiya u burburin lahaayeen ama dunida uga reebi lahaayeen, laakiin dedaalkooda ay intaas oo sannadood wadeen ee ay ku doonayeen inay Itoobiya ku burburiyaan maadaama ay u suurta geli wayday oo ay marikari waayeen mawqifka adag ee shacbiga Itoobiya, hase yeeshee markii uu bilaabmay dhaqdhaqaaqii isbedel doonka ahaa ee bulshadu ee la yidhi waqtigan waqti ka wanaagsan ma helayno ee aynu ka faa’iidaysano ayey niman badan oo cadawga Itoobiya ahi soo diyaar garoobeen, iyaga oo u soo tashaday sidii ay u burburin lahaayeen ama u marin-habaabin lahaayeen himilada bulshada, kuwaas oo doonayey inay dalka burburiyaan, sidaa darteed nasiib daro iska dhaaf Itoobiya oo muddo badan ayey xataa nabad gelyada geeska Afrika cidhiidhi ku jirtay, laakiin Somaliya markii ay gobanimadeeda qaadatay ayaa waxa bilaabmay kaambayn ah sidii dalkayaga xasiloonidiisa loo lumin lahaa, loona burburin lahaa, waayo Somalida gumaystayaashii gumaysan jiray ayaa dhegta ugu riday wax la yidhaahdo Somali-weyn, fekrada caynkaas ahna waxa sii xoojiyey oo socod siinteeda ka qayb qaatay qolooyin dunida ah oo ka soo horjeeday Itoobiya, ka dibna waxay dalka Somaliya ku beereen inay sheegtaan dhulka Itoobiya shan meelood marka loo qaybiyo hal meel, sidoo kale waxay dhegta ugu rideen oo ay ku beereen Jabuutida maanta dalka Madaxa banaan ah inay yidhaahdaan anaga ayaa leh, ka dibna Somaliya waxay dadka reer Jabuuti u ogolaan waayeen inay xornimadooda qaataan iyo inay dareenkooda gobanimo-doonka ah si xor ah u wataan iyaga oo dalkooda sheeganaya oo ku haysta, taasina ma ahayn wax Somaliya la gaban jirtay ee waxa ay ahayd wax shaaracyada la taagan yihiin ama kaga dhawaaqayaan anaga ayaa Jabuuti leh. Sidoo kale Somaliya waxay iyana dalkoodii ku qabsadeen Kenya, sidaa darteed inta ay yidhaahdeen qayb dalka Kenya ka mid ah anaga ayaa leh ayey gaadheen heer ay kula dagaalamaan. Sidaa awgeed xiligii uu kacaanka Itoobiya kobcayey waxa u suurtagashay Somaliya iyo xoogag kale oo iyaguna gacan siinayey Somaliya waxay sameeyeen tijaabooyin badan oo la doonayey in lagu burburiyo Itoobiya...

La soco cadadka dambe.

Top


Miisaaniyadda 2003: Sharaxa Wasiirka Iyo Xisaabaha Is-Qardhaafsan

Wasiirka Maaliyadda Oo Horyimi Wakiilada

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka wasaaradda maaliyadda dawladda Somaliland, mudane Xuseen Faarax Doodi ayaa shalay mudanayaasha golaha wakiilada tafaasiil ka siiyey mala-awaalka miisaaniyadda 2003 oo hadda muddo dhawr maalmood ah hortaalay aqalka wakiilada, taas oo la doonayo inay ansixiyaan.

Diyaarinta miisaaniyadda 2003 oo gacanta wasaaradda maaliyadda ku raagtay waxa uu wasiirka maaliyaddu dib-dhacaa ku sababeeyey iyadoo dhawr goor diyaarinteeda dib loogu noqday, isaga sababta dib-dhaca tilmaamayana wuxuu yidhi "Dib-dhaca miisaaniyadda waxa ugu wacan, iyadoo aanu ilaa saddex goor diyaarinta dib ugu noqonay", isla markaana wasiirku waxa uu farta ku fiiqay duruufo dhinaca dhaqaalaha oo saamayn ku yeeshay diyaarinta miisaaniyadda, laakiin isaga oo tilmaamaya meelaha ay dakhliga miisaaniyadda ka filayaan waxa uu sheegay inay xoogga saarayaan dhinaca cashuuraha beriga, isaga oo yidhi "Macaashal macaashka aad baanu ugu dhibaatoonaa, waxayna nala maraysaa ilaa maxkamad, laakiin dakhli wanaagsan ayaanu ka filaynaa."

Miisaaniyadda dawladda ee 2003 intii aanay soo gaadhin golaha wakiilada waxay ku soo horaysay golaha wakiilada oo iyaguna dhinacooda soo ansixiyey, sidaa darteed golaha wakiiladu dhinacooda waxay ku talo jiraan inay inmuddo ah ka baaraan degaan, ka dibna marka ay ka bogtaan ansixiyaan, taas oo laga yaabo inay wax ka bedel ama wax ku kordhin iyo tifaftir ku sameeyaan.

Marka la eego xaddiga miisaaniyadda dawladda dhexe ee uu wasiirku soo hordhigay golaha wakiilada waxay dhan tahay 101, 687,066,649 Sh.Sl, sidoo kale miisaaniyadda dekedda Berbera loo qoondeeyey waxay dhan tahay 15,001,500,000 Sh.Sl, taas oo marka labadooda la isu geeyo noqonaysa 16,688,566,649 Sh.Sl, laakiin marka la isu eego shaxda miisaaniyadda ee uu wasiirku hordhigay aqalka xukuumadda iyo shaxda miisaaniyadda ee uu hor-geeyey golaha wakiilada xaddi ahaan waxa u dhexeeya faraq, iyadoo ay xaashida hore ee uu wasiirku xukuumada hor-geeyey ku taariikhaysan tahay 19/02/2003, halka ay xaashida dambe ee wakiilada la hor-geeyey ku taariikhaysan tahay 27/2/2003, taas oo ay tirooyinka labada xaashiyood ee uu wasiirku labada meelood kala geeyey kala duwan yihiin, waayo tusaale halka buugga wakiilada la horgeeyey uu xaddiga miisaaniyadda dawladda dhexe yahay 101,687,066,649 Sh.Sl, buugga miisaaniyadda ee uu wasiirka maaliyaddu horgeeyey golaha xukuumadda miisaaniyadda dawladda dhexe waxa ku qoran 96,851,270,180 Sh.Sl, sidaa darteed faraqa labada xaashiyood u dhexeeyaa waxa weeye 4,835,796,469 Sh.Sl (Shan bilyan ku dhowaad) ayey is-dheeryihiin labada tiro, laakiin halkii ay markii hore isu geynta miisaaniyadda dawladda dhexe iyo dekeddu ahayd 111,852,770,108 Sh.Sl, hadda waxa weeye 116,688,566,649 Sh.Sl. 

Sidoo kale marka hoos loo sii daadego waxay xisaabta kala duwani iska bedeshay meelaha qaarkood, tusaale ahaan wasaaradda warfaafinta oo ay shaxdii la horgeeyey ugu qornayd 843,728,750 Sh.Sl, shaxda wakiilada la horgeeyey waxa ugu qoran 963,275,665 Sh.Sl, taas oo ay isdheeryihiin ama lagu daray 119,546,915 (boqol iyo labaatan milyan ku dhowaad), sidoo kale wasaaradda duulista hawada waxa shaxda hore ugu qornaa 989,216,000 Sh.Sl, laakiin shaxda dambe waxa ugu qoran 1,241,299,954, taas oo ay is-dheeryihiin ama lagu daray inka badan laba boqol iyo konton milyan (256,083,945). 

Sidoo kale shaxda hore ee xukuumadda la horgeeyey wasiirku waxa uu ku sheegay in la wada isticmaalay miisaaniyaddii sannadkii 2002 oo ahayd 88,852,000,000 Sh.Sl, laakiin shaxda dambe waxa uu wasiirku ku sheegay in la isticmaalay 87,503,459,694, sidoo kale marka la eego xaashida hore dakhligii kal hore soo baxay wasiirku waxa uu ku sheegay 105,081,171,736 Sh.Sl, laakiin shaxda dambe dakhligii kal hore soo baxay waxa ku qoran 106,779,055,299, sidoo kale shaxda hore waxa ku qoran inuu dakhligii dheeriga ka ahaa ee kal hore soo baxay ahaa 16.3 bilyan, laakiin shaxda dambe waxa ku qoran 19.3 Bilyan, waxa kale oo iyana shaxda dambe ku qoran miisaaniyadda doorashada oo aan shaxda hore ku jirin. 

Laakiin lama garanayo inay labada xisaabood ee is-dhaafsan ee uu wasiirku midna hordhigay golaha xukuumadda, midna hor-dhigay golaha wakiilada inay qalad mad-bici ah tahay iyo in qorshaha wax iska bedeleen intii labada gole u dhaxaysay, balse wasiirka maaliyadda ayaa looga fadhiyaa inuu tafaasiil ka bixiyo xisaabaha kala duwan, inkasta oo aanu ku darin sharaxii uu shalay siiyey wakiilada. 

Ta kale qabyooyinka la xusi karo ee meesha ka muuqda waxa ka mid ah kharashka doorashooyinka loo qoondeeyey oo gaadhaya inka badan lix bilyan iyo badh lama muujin sida loo isticmaali doono, sidoo kalena kharashkii doorashooyinkii hore lama muujin xisaab ahaan sida loo isticmaalay iyo meelaha uu ku baxay, waxa kale oo iyana xusid mudan oo aan la cadayn sida loo isticmaalay iyo meesha uu ku baxay dakhligii miisaaniyadda ka dheeraadka ahaa ee kal hore soo baxay, taas oo uu wasiirka maaliyaddu madasha golaha wakiilada ka sheegay inay ku dabooleen dayman hore oo uu baanku lahaa, laakiin taas su’aal baa ka taagan, waxaana jira xogo muujinaya in arintaa wax ka bedelan yihiin, sidaa darteed hubaasha sharci iyo ma huraanka hawleed ee ay lacagtaasi ku baxday waxa cadaynteeda looga fadhiyaa wasiirka maaliyadda iyo golaha wakiilada ee ay hadda miisaaniyaddu hortaal.

Top


Garta xeer-beegti iyo xeerarka somalida

Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub
Q: 2aad


Ninka inuu gardiid noqdo dhaqanka iyo xeerka waa ku ceeb, sidoo kale hadii laga gar helo waa inuu garawshiinyo bixiyaa, waayo hadii uu garawshiinyo bixin waayo waxay taasi noqonaysaa gun-nimo, laakiin cidda garta naqaysa xataa hadii ay si cadaalad ah garta u qaado cidda garta laga helay ma gafto waa layga eexday, waxba layma waydiin IWM, sidaa darteed cidda garta naqda waxay mar walba dhaxlaan godob. 

Laakiin cidkastaa haka cabatee cidda gartaqaadaysa waxa mar walba looga baahan yahay cadaalad iyo inay garta aad uga baaraan-degaan, iskana hubiyaan wixii ay cadaalad xumo uga iman karto. Sidoo kale dadka ama dhinacyada garnaqsanaysa waxa mar walba looga baahan yahay inay gartooda banaanka ku soo akhristaan oo ay qolo waliba dhinaceeda si fiican u ogaato cidda ay is-hayaan waxa ay xaq ugu leeyihiin iyo waxa dheeraadka ah ee sitaan, waayo waxa fiican inta aad banaanka joogto ee aaddan golaha iman inaad gartaada soo akhrisato, maxaad gar u leedahay, maxaadanse gar u lahayn, markaa "waa sidii Jemeshii Wacays kaliile’, marka aad arin gelayso waa inaad talo ku dartaa oo hadii aad is leedahay waxaa waad ku ceeboobaysaa aanad gelin, isla markaana marka aad aragto in lagaa gar helayo ama aad gar darran tahay aad garawdo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa "nin aan garaw baranini gar ma barran". Ta kale waxa iyana loo baahan yahay inaad malayso cidda aad wada hadlaysaan ee kaa soo horjeeda inay kaa af-roon tahay (Af-tahamo badan tahay) iyo in hadalkiisa lagaa xigo oo aanu kufkaaga ahayn, waayo Somalidu waxay tidhaahdaa "gadh-ba gadh baa la tusaa". 

Ta kale waxa jira hadal aan afkaaga ku wanaagsanayn oo afka Inaadeerkaa ku wanaagsan, tusaale marka seedigaa kaa soo horjeeddo ama arini idin dhexmarto, soddoggaa oo kale iyo qof kasta oo xil kugu leh ama aaddan afka ku kala waaxi karin. Sidaa darteedna lagaaga toosan yahay ama wax odhaahiisu afka cid kale ku wanaagsan yahay. Somalidu waxay tidhaahdaa "Hadal nin kaa xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado". Laakiin dhaqan xumooyinka soo kordhay waxa ka mid ah in labada reer ama labada qof ee arini dhexmarto halkii si wanaagsan loogu gar-qaadi lahaa in gartooda la mashruuceeyo oo ay waqti dheer qaadato ama cidiba kala saari waydo oo ay isku sii murgaan oo timaha la isugu sooho ama marka ay arkaan in la isku dilayo ay iyagu iskood isaga kala dareeraan.

Xiliyadii hore garta laba qof ama laba qolo loo qaadayaa kama ay badan jirin inay maalin ama habeen iyo maalin socoto xataa marka ay guddidu raagto oo ay debedda u baxdo, waayo waxa la odhan jiray "Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan meesha ku jirin ayey soo gelinaysaa", isla markaana hadimada iyo waxa xun lama talin jirin, iyadoo xataa hadii aanu qofka aakhiradiisaba u tudhan ay marka horeba hadimo-taliska iyo eexdu godob aan hadhin leedahay, sidaa darteed hadii aad cid u gar-qaadayso ha u kala eexan, waayo waxa jirta xikmad Soomaaliyeed oo tidhaahda "Meesha aad qof ka qaadanayso qof baad kaga tegaysaa". Ta kale ninka hadimada iyo wax xun taliska ah waxa uu cawaaqibkiisu ka muuqan jiray naftiisa, maalkiisa iyo ubadkiisa, isla markaana cawaaqib-xumadaasi kama hadhin jirin sagaal awaw ama abadkiis, iyadoo dhinaca kalena uu dadka dhexdiisa ka noqonayo nin ceebo ioy naanayso leh oo canbaaraysan, bal eeg maahmaahan "Nin wiil lihi xeer ma duraanto, nin markhaati been ah kuu furay wuxuu yahayna ogaatay muraadkaagana ka heshay", waayo markhaatiga fududi nin-na waa u hiil, nin-na waa ku godob, laakiin ninka markhaati been ah furaa kalsoonidiisa iyo xeer-beegtinimadiisa, waayo mar hadii lagu yidhaahdo "Ninkaasi xaajo qaad ma aha", War-gal ma aha", "Hebel uga qaateen ma aha’ IMW waxa uu noqonayaa nin gabadhii guur-beeshay. Sidoo kale ninka ay maalin ka xumaato waxa raaci jiray jareexo iyo naanays aan abidkii ka hadhin, waana ta la yidhaahdo "Gole saymo, hoos-waliba hadalkiisa leh, golaha madhnaan lagagama tago", waayo golaha ama ceeb ayaad kaga tagtaa ama raganimo ayaad kaga tagtaa. Masallan ninka suuqa ka tow-tow leeya ee yidhaahda cidaas ayaa gardarran ee maxaa wax looga qaban waayey waxa la odhan jiray "farasow kacdaada iyo kadladaada isla sug". 

Laakiin marka laga yimaado ninka hadimo-taliska ah waxa isna jiray nin samatalis ah...

La soco cadadka dambe.

Top


Jilbo-Dhiig

Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale : 2aad 

Biixi inkasta oo aanay is-dhexgelin gabadha uu cal-maday, hadana bahal caashaq ah ayaa si tartiib-tartiib ah mar-ba marka ka dambaysa kor u sii tafayey, kaas oo dareenkiisa iyo xidida dhiigga qaada qolado yar yar ka dhex-samaystay. Waxa ku batay calool-yow iyo wahan aanu hore u lahaan jirin, taasina waxay badday hami maalintii ah iyo laba boglayn habeenkii ah, maskaxdiisu waxay u shaqaysay sida baalasha marawaxadda ee sida dhakhsaha badan isu bed-bedala, laakiin heer-nololeedka labada shakhsi iyo lah-wiga fakerkoodu waa laba kala fog ama si kale hadii aynu u nidhaahno "waa kaaf iyo kala dheeri". Hase yeeshee taa macneheedu ma aha inay gabadha Biixi beer-qaaday tahay qof iska cas, balse raganimada ka qatan,ee waa qof raganimo lagu majeerto.

Xayaad waxay ahayd gabadh aad naamuunad wanaagsan oo quruxdeeda duleed iyo quruxdeeda qarsoon-ba hablaha aynigeeda ah shan iyo farood iyo calaal-cal dheer, laakiin waa gabadh ka dhalatay reer laddan, halka uu Biixi ka soo jeedo qoys sabool ah oo weliba ku noo baadiye ka durugsan meesha uu ku nool oo weliba iska wax tar ay u soo fidiyaane isaga wax ka sugaya oo leh wiilkeenu magaalo ayuu u tacabiray, nolosha caynkaas ahina waxay Biixi iyo Xayaad ka kala dhigtay laba qof oo uu dhallanteedka noloshu ka dhigay kuwo kala sareeya oo aan nolol ahaan isku ayni ahayn. 

Hase yeeshee Biixi si aan looga garran waxa uu dedaal naf-hurnimo ah goor walba ugu jiray yaan lagaa garran, taas oo uu had iyo goor ku foognaan jiray sidii uu ceebihiisa u dabooli lahaa, laakiin duruufihiisa nololeed iyo nugaylka ay badeen waxa u sii dheeraa nugaylka uu qalbigiisa ku beeray jacaylka naftiisa la soo dersay, taas oo isna dedaal ugu jiray inaan la ogaan, isaga oo halku-dheg ka dhigtay "ceebtaada oo uu kow ogyahay kun looma sheego", wuxuuse ku ducaysan jiray "ilaahow dareenkeeda rixim ii mari, bogeedana burcad ii mari"...

La soco cadadka dambe.

Top