Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 290 March 21, 2003

Madaxweyne Rayaale Iyo Weftigiisa Oo Guluf Socdaalo Ah Ku Ekeeyay Gebilay Iyo Degaannada Kullaalaya

Hablaha Geeska Afrika

Wakiillada Xisbiga UCID Ee Gebilay Oo Ka Shiray Ololaha Doorashada

Hogaamiya-yaasha Iyo Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE Oo Isu-Soo-Bax Ololaha Doorashada Ku Qabtay khayriyadda Hargeysa

Waxaan U Imid Inaan Dalkayga U Adeego

Bush oo digay ciraaq

Saddex dawladood oo African ah

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Ma sida Aan Moodayay Mise Sida Ay Noqotay:

Xisbigaynu U Dooranaa Hogaaminta Dalkeena Ee Horumar Gaadhsiin Kara?!

Kulmiyow Ka Haki, Kaalin Fiican Baynu Kaga Jirnaaye

Madaxweyne Rayale Maka Warqabaa Magacii In Aan Ilaa Maanta Boodh Loo Samaynin (Magacii Marxuum Cigaal Airport)

Gar xeer beegti

Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga Waxaa turjumay Muuse Shoodhe, Waxaa tifaatiray A.Ducaale

Waadiga Ciyaaraha


Madaxweyne Rayaale Iyo Weftigiisa Oo Guluf Socdaalo Ah Ku Ekeeyay Gebilay Iyo Degaannada Kullaalaya

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa shalay gelinkii hore soo gaadhay degmada Gebilay, ka dib markii ay ka soo bixitimeen xarunta gobolka Awdal oo ay muddo laba habeen ah ku sugnaayeen, waxaana degaamadaa si weyn ugu soo dhoweeyey dadweynaha degaamadaa, iyadoo ay madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu isla shalay cagta soo mariyeen meelo ay ka mid yihiin Allaybadday, Togwajaale, Faraweyne, Kalabaydh iyo Gebilay oo ay markii dambe fadhiisteen.

Weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa warbixin nooga soo diray booqashada weftiga madaxweyne Rayaale ee degmada Gebilay iyo degaamada kulaalaya iyo saamaynta ay booqashadaasi ku yeelatay degmada Gebilay, waana tan warbixintu:

"Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu markii ay ka soo kicitimeen Boorame waxay ugu horayn socdaalkooda ka bilaabeen magaalada Tog-wajaale, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen dadweynahaa degaankaasi, waxa kale oo ay soo mareen magaalada Kalabaydh, waxayna weftigu dadweynaha degaanka Tog-wajaale kala hadleen dugsiga dhexe ee Togwajaale, waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay ninka Somaliland u fadhiya safaaradda Itoobiya Cumar Xaaji Maxamed (Cumar-dheere), waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Madaxweyne waxaan kugu soo dhowaynayaa marsadii labaad ee Somaliland, aniga oo ku hadlaya afkii dadweynaha Togwajaale", laakiin intaa ka dib waxa halkaa ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha degaanka Togwajaale, waxayna madaxweyne Rayaale waydiisteen inuu degmonimo siiyo magaaladooda Tog-wajaale.

"Dhinac kasta marka laga eego magaalada Togwajaale degmo way qallantaa, markaa madaxweyne waxaanu doonaynaa inay doorashadu dhacdo anaga oo degmo ah," sidaa waxa yidhi Muuse Bookh oo ka mid ah odayaasha reer Togwajaale. Laakiin waxa kale oo ka mid ah ragga halkaa ka hadlay caaqil Axmed Qallinle, wuxuuna caaqlikaasi sheegay inay baahidooda ugu weyn ee ay maanta doonayaan inuu madaxweynuhu wax ugu qabto ay tahay inay degmonimo helaan, sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay caaqil Abiib Cabdi Dhimbiil, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Madaxweyne waxaanu kuu sheegaynaa inay ummaddu diyaar u tahay inay is-barbar taagto xisbiga talada u haya, markaa madaxweyne waxaanu maanta kaa codsanaynaa inaad noqoto madaxweynihii u horeeyey ee ku dhawaaqa inay Togwajaale inta doorashada ka horaysa noqoto degmo."

Waxa kale oo ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay wasiirka waxbarashada dawladda Somaliland, Cismaan Xasan Mire, sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay wasiirka daakhiliga Eng: Ismaaciil Aadan Cismaan. "Waxa bilaabmay tartankii doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka, waanuna xusuusanahay sidii wanaagsanayd ee aad codkiina doorashadii hore u siiseen UDUB, maantana tartanku wuu ka weyn yahay kii hore, markaa waxaan idinku guubaabinayaan inaad sidii hore codkiina u siisaan xisbiga UDUB"sidaa waxa yidhi wasiirka daakhiliga, laakiin waxa intaa ka dib makarafoonka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha oo halkaa kula hadlay dadweynihii isugu soo baxay, isaga oo ugu horayn uga mahad-naqay sidii weynayda ee ay u soo dhoweeyeen, laakiin isaga oo ka jawaabaya codsigii degmonimo wuxuu yidhi "Codsigiina ugu weyni degmada ayuu ahaa, markaa horta Togwajaale degmo way iska tahaye bixinteeda ayuun baa hadhsan, degmona way u qallantaa, taana hadii ilaahay yidhaahdo waqtiga ay ku haboon tahay maamulka ayaa laga wada hadli doonaa."

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu isla halkaa wasiirkiisa waxbarashada ku amray in magaalada Togwajaale loo dhiso dugsi sare, sidoo kale madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu ballanqaaday inuu wax ka qabanayo baahiyo kale oo ay kala hadleen, isaga oo dadka reer Togwajaale ku waaniyey inay ilaaliyaan derisnimada Itoobiya, laakiin isaga oo ka hadlay wacyiga siyaasadeed ee ay Somaliland ku jirto iyo arinta doorashada wuxuu yidhi "Waxaan ilaahay inay doorashada soo socotaa nabad inoogu dhacdo sidii tii hore oo kale, waxaana idiin hayaa ballamo badan iyo Somaliland la aqoonsanayo."

Madaxweynaha iyo weftigiisu markii ay ka yimaadeen Togwajaale waxay u kaceen dhinaca magaalada Kalabaydh, halkaasna waxa uu dadweynaha magaalada kula shiray hoolka qaadka lagu cashuuro ee Kalabaydh, waxayna duqayda degaankaasi Madaxweynaha iyo weftigiisa kala hadleen baahiyaha ay doonayaan in wax looga qabto, iyadoo uu madaxweynuhuna dhiniciisa jawaabo ka bixiyey waxyaalihii ay reer Kalabaydh kala hadleen, laakiin Madaxweynaha iyo weftigiisu markii ay ka soo fanjeediyeen magaalada Kalabaydh waxay u gudbeen dhinaca Gebilay, halkaas oo ay dadweynaha magaaladaasi si weyn ugu soo dhoweeyeen Madaxweynaha iyo weftigiisa, iyadoo ay dadweynuhu hoganayeen wadada hareeraheeda, waxaana weftiga Madaxweynaha looga qado sameeyey magaalada Gebilay, iyadoo ay Madaxweynaha iyo weftigiisu magaalada Gebilay u hoyan doonaan hal habeen (Xalay), isla markaana maanta ayaa lagu wadaa inuu madaxweynuhu dadweynaha reer Gebilay kala hadlo meel fagaare ah, laakiin waxa lagu wadaa inuu habeenimada caawa (Xalay) kulamo gooni-gooni ah la yeesho masuuliyiinta maamulka iyo duqayda iyo hogaamiyayaasha kale ee bulshada reer Gebilay. ka dibna uu isla maanta uga baqooli doono dhinaca caasimadda Hargeysa, iyadoo ay madaxweynaha iyo weftigiisu cagta sii marin doonaan meelo ay ka mid yihiin ALLaybadday, Faraweyne iyo Arabsiyo.

Madaxweyne Rayaale waxa socdaalkiisa ku weheliya rag door ah oo ka mid ah madaxda iyo maamulayaasha dawladdiisa, waxaana ragga la socda ka mid ah raxan wasiiro ah ioy madax kale oo ay ka mid yihiin saraakiil ciidamada ah.

Laba-saddexdii maalmood ee u dambeeyey waxa magaalada Gebilay si wey u hadheeyey dhaqdhaqaad la xidhiidha diyaar ku saabsan soo dhowaynta Madaxweynaha iyo weftigiisa, iyadoo ay si weyn u guclaynayeen madaxda iyo maamulayaasha dawladda, hadii ay tahay heer degmo, gobol ama qaran intaba, sidoo kale waxa si weyn loo xoojiyey dhaqdhaqaaqa dhinaca nabadgelyada, iyadoo degmada Gebilay la keenay ciidamo dheeraad ah oo noqonaya kuwii ugu tirada badnaa ee la keeno indhowaale."

Top


Hablaha Geeska Afrika

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Ma geyoon ma gamashiyin 
Ma gommodin ma gaagixin 
Ma gabloobin maan gudhin 
Mana gabin halkaygii 
Gabaygiina maan deyn 
Geeraarradaydii 
Imminkaan gardaadshoo 
Weli maan gunaanadin
Murti nimaam gunteediyo 
Baran gogol-dhiggeedoo 
Gonda degi aqoonoo 
Garab-daar lahayn baa 
Gawl-gawla hadalkoo 
Kolba dhinac garoocdee 
Sida Webi Ganaanoo 
Cirka godollo maaloo 
Biyihii ku gaaxdiyo 
Gebiyadii kusoo degey 
Ku darsaday gufaaciyo 
Gullama diriroo 
Galli jabay habeenkii 
Kolba gacan masoo rogay 
Qudhaciyo galoolkii 
Gunta xididka maw jaray 
Dhulka wada galaal iyo 
Gabbalaha makaga tegey
Afartaa geddaydii 
Dhaha laygu garan jirey
Gurmashada dagaalkiyo 
Gulufkiyo colaadaha 
Goobaha naf waagiyo 
Halka laysku gowroco 
Marka gorodda lays daro 
Haddaan dumarku goonyaha 
Guubaabo kicinayn 
Sida galowga dhiilloon 
Illaa geesi qayrkii 
Birta kuma gumaadeen!
Gu´ hagaagay oo da´ay 
Dhulka geedo jiifaan 
Gurya-samo barwaaqa ah 
Haddii geeddi lagu furo 
Dhallinyaro is gurataa 
Gurdan raaca fiidkii 
Gole weyn ku kulantoo 
Cagta garan-garkeediyo 
Isu geysa jiibkoo 
Googooska luuqdiyo 
Gedda sacabka loo jaro 
Hablahaa u gaaroo 
Garashada codkoodaa 
Qof gaboobay kicisoo 
Gelbiskiyo mashxaraddaa 
Gama´kaa ilaashee 
Haddaan gabadhi boodeyn 
Illaa gegi cayaareed 
Wax ma dhaanto geriyaad
Haddaan guudka laga jarin 
Gudihiisa xaabkiyo 
Cayayaanka laga gurin 
Marwo dumar garka u xidhan 
Illayn guri dugsoon maleh
Gaadaha habeenkii 
Kelidaa galgalashiyo 
Ged-geddoonka dhalisoo 
Adigiyo go´aagaa 
Hadba dhinac u guuroo 
Barkintaad gabbood iyo 
Gaashaan ka dhigataa 
Haddaan guud haldhaaley 
Kolba gacan la saareyn 
Illayn gogoshu wehel ma leh
Kuma galo adduunyada 
Ninna goonni-socodkoo 
Marwo garasho dheer baa 
Ninka raga u gudinoo 
Iyadaa guddoonkiyo 
Gadh-hayaa naftaadiyo 
Gaadiidka reerkiyo 
Gurgurshaaga noqotoo 
Arrin kula gorfaysee 
Haddaan gaari kula jirin 
Illaa noloshu guul ma leh
Gocashada xanuunka leh 
Waxaan uga goleeyey
Go'i waa barbaareey 
Gobi waxay ku dhaqantaa 
Garab waxay ka dhigataa 
Gallad waxay ku dheeftaa 
Samo waxay ku gaadhaa 
Gololadda haweenkee 
Hiddaheena gaarka ah 
Hablihii gabowgiyo 
Geerida ku sugi jiray 
Hablihii garayskiyo 
Xiran jiray guntiinada
Hablihii gu' iyo dayr 
Sida baarqab golongolay 
Dhexda xarig ku goyn jiray 
Hablihii garaaraha 
Gaatan-socodka laafyaha 
Sida gorayga ciideed 
Gelbin jiray tallaabada 
Hablihii gun iyo baar 
Isha gacalo-eegtaa 
Gama aanay ledi jirin
Hablii talada guunkiyo 
Gunti jirey xishoodkee 
Hadalkoodu gaabnaa 
Hablihii gef hooyiyo 
Qarsan jirey guhaadee 
Haday godolo soomaan 
Haddey gaajo liitaan 
Cidi aaney garan jirn
Hablihii gammaan faras 
Iyo geela ugubka ah 
Guur doon ka bixin jiray 
Hablihii Gargaariyo 
Guuleed ku curan jiray 
Goldaloolo iyo ceeb 
Hablihii ka guban jiray
Hablahaan gankoodiyo 
Hilibkooda gadi jirinee 
Haddii aad gujeysaan 
Guulguul ku leysaan 
Godol qudha ku moodaan 
Gabal kooda dumisaan 
Hadba tooda goosha ah 
Ganaceeyda jabisaan 
Dadku gabanaa xooriyo 
Garrac-ley yidhaahdaan 
Inagoo gumeyniyo 
Dhaqan guurey weeyee
Gocashada xanuunka leh 
Waxaan uga gon leeyahay 
Godob aabbe faleybaa 
Ubadkiisa gocondhiyo 
Gumarshiga ku noqotee 
Gabi dheer ku dumisee 
Ninka inan ma geyda 
Golqaniin ku maalee 
Gurac kaga daneystow 
Waxaad gaax saneysiyo 
Gashigaad cuneysiyo 
Xumahaad galeysaa 
Ruuxey ka go’an tahey 
Gabadhaada weeyee 
Gafka aad faleysiyo 
Waxaad geysanasaa 
Galabkale ka sheekeyn
Gebagebada sheekada 
Bal aan soo gunaanado 
Guddoonsiiyo jiiftada 
Gabigeed adduunyada 
Gobol-gobol u qaadoo 
Hablo weerar geli kara 
Hablo geela dhicin kara 
Hablo geesi dili kara 
Gobonimana hanan kara 
Hablo talada goyn kara 
Garta madal ka niqi kara 
Garashana iskaga mida 
Quruxdana ka wada gob ah 
Geesteena mooyee 
Gayi kale ma joogaa

Top


Wakiillada Xisbiga UCID Ee Gebilay Oo Ka Shiray Ololaha Doorashada

Gebilay (Haatuf): Xubnaha xisbiga UCID ee degaanka Gebilay ayaa horaantii toddobaadkan aynu ku jirno kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Gebilay, waxaana kulankaa ka soo qayb galayw akiilo ka kala socda dhammaan tuulooyinka ioy degsiimooyinka hoos-yimaadda degmada Gebilay, kulankaasna waxay xubnaha xisbiga UCID kaga wada hadleen sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen ololaha tartanka doorashada madaxtinimada ee foodda inagu soo haysa, iyadoo ay kulankaa warbixino ka soo jeediyeen qaar ka mid ah xubnaha kulanka ka soo qayb galay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan xubnaha kulankaa ka soo qayb galay waxay doodo iyo araah iska dhaafsadeen qaabka iyo sida ay ugu diyaar garoobayaan ololaha doorashada, iyadoo uu gudoomiyaha xafiiska xisbiga UCID ee degmada Gebilay, Muuse Cabdi Ismaaciil xubnaha reer UCID ku guubaabiyey inay si shilis oo wada jir ah ugu diyaar garoobaan hawsha doorashada.

Top


Hogaamiya-yaasha Iyo Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE Oo Isu-Soo-Bax Ololaha Doorashada Ku Qabtay khayriyadda Hargeysa

"Wasiirrada Ciiddaa ka badan, ma garanayno waxay qabanayaan, malaha waxay soo buuxinayaan Sanaaduuqda" - Axmed Siilaanyo

"Somaliland way leedahay awood ay wax kaga qabato C/laahi Yuusuf, laakiin.." Maxamed Kaahin

Hargeysa (Haatuf): Hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE ayaa shalay dadweynaha reer Hargeysa kala hadlay fagaaraha khayriyadda, halkaas oo ay isugu soo baxeen kumanaan qof oo isugu jira taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo dadweyne kale, wuxuuna isu soo baxaasi qayb ka yahay ololaha doorashada madaxtinimada, taas oo loo qoondeeyey inay dalka ka dhacdo badhtamaha bisha Abril ee foodda inagu soo haysa.

Madaxda iyo xubnaha xisbiga KULMIYE ugu sharaxan tartanka Madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka ayaa fagaaraha khayriyadda dadka kala hadlay, iyadoo ay ragga halkaa ka hadlay jeediyeen khudbadoa siyaasiya oo qayb ka ah ololaha tartanka doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay Somaliland ka dhacdo badhtamaha bisha Abril ee foodda inagu soo haysa, waxaana ragga halkaa ka hadlay ka mid ahaa gudoomiyaha xisbiga, Axmed-siilaanyo oo isla markaana ah ninka xisbiga KULMIYE ugu sharaxan jagada Madaxweynaha iyo C/raxmaan Aw-Cali oo isna ah ninka jagada madaxweyne-kuxigeenka xisbiga KULMIYE uga sharaxan, waxayna khud-badahooda ku sheegeen waxyaalaha ay doonayaan inay qabtaan hadii ay doorashada ku guulaystaan, inkasta oo aanu Craxmaan Aw-Cali halkaa ka hadlin, iyadoo la sheegay inuu xanuunsanayo, laakiin Axmed-Siilaanyo oo isagu halkaa ka hadlay waxa isaga oo barnaamijkiisa ka hadlaya sheegay inuu wax ka bedeli doono dhinacyada dhaqaalaha iyo siyaasadda hogaaminta dalka. 

"Dhaxaa iga maqasheen aniga oo tilmaamaya waxyaabo badan oo aanu hogaanka talada hayaa gaadhsiin karin dalka oo aanu ahayn kii gaadhsiin kari lahaa yididiilooyinka ay shacbiga Somaliland leeyihiin"ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, wuxuuse intaa ku daray "Axsaabtii dareenka lahayd ee dalka u soo halgantay ee u soo damqatay waa kuwa maanta KULMIYE isugu yimi kulmiye, laakiin waxaan idiin sheegayaa inaanay waxa la kala dooranayaa ahayn axsaab ee ay yihiin madaxweynihii iyo madaxweyne-kuxigeenkii dalka, ayna tahay waxa loo baahan yahay labadii qof ee dalkan hogaamin lahaa, ma Axmed-Siilaanyo iyo C/raxmaan Aw-Cali, mise Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, taasi markaa yaanay iskagakiin qaldamin", laakiin Axmed-Siilaanyo isaga oo ka hadlaya waxyaalaha ay qaban doonaan hadii ay tartanka madaxtinimada ku guulaystaan wuxu yidhi, "Ugu horayn waxaanu xoojinaynaa wixii ummaddu hore u soo qabsatay oo ah nabadgelyada oo aanu sugno, iyadoo ay ciidamada lagu seexdo ee amniga ilaalinayaa ay iyadoo malaayiin dalka soo gasho la’yihiin mushaharkoodii."

Axmed-Siilaanyo waxa uu tacsi u diray askartii ku dhimatay shilkii baabuur ee la socotay weftigii Madaxweynaha, isaga oo yidhi "Waxaan ka xumahay askartaasi markii ay shilka galeen sidii looga tegay". Laakiin Axmed-Siilaanyo waxa uu ballanqaaday inay wax ka qaban doonaan waxyaalo badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, siyaasadda, mushkiladda shaqo la’aanta ee dalka ka jirta, dhinaca tacliinta iyo aqoonsiga Somaliland oo uu sheegay inay wax ka qaban doonaan.

"Lacag balaayiin ah oo aan baarlamaanku ogolaan ayaa miisaaniyaddii kal hore dheeraatay, isla markaana aan meelihii ku haboonaa lagu kharash garayn, waxayna ku baxdaa ashkhaash iyo wasiiro cidaa ka badan oo aanu dalku qaadi karin, wasiiradaas oo aan qaarkood la garanayn waxa ay qabanayaan, laakiin malaa waxay soo buuxin doonaan sanaaduuqda codadka, laakiin anagu waxaanu ballanqaadaynaa in shilimaadka cashuurta wax loogu qabto ummadda iyo inaanu samayno dawlad ta maanta jirta ka kooban oo ka waxtar badan oo aan dad gooniya u adeegayn"ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, wuxuuna farta ku fiiqay waxyaalo badan oo dayacan hadii ay tahay dhinacyada dhaqaalaha iyo hadii ay tahay dhinaca dib-udhiska iyo horrumarintaba, isaga oo sheegay inay wax ka qabanayaan ganacsiga xoolaha iyo beeraha. 

"Waxaanu doonaynaa inaanu calankeenu jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ka dhextaagno oo aanu ictiraaf dalka u keeno"ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo, laakiin isaga oo ka hadlaya shirka kooxaha Somaliya ee Kenya ka socda iyo baaqa kooxahaa ee ah waa inay Somaliland shirkaa ku soo biirtaa wuxuu yidhi "Kuwaa maalin walba leh Somaliland ha timaado waxaan leeyahay waar Somaliland idiin iman mayso, hadii aad na daynwaydaana waanu iska kiin dhicinaynaa, horena waanu isaga kiin dhicinay, laakiin odhan maayo sida kuwa yidhaahda doorashadu ha dhamaato, tolow maxay u jeedaan ma markaas ayaanu idinla xaali doonaa baa."

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi oo ka mid ah hogaamiyayaashii ururka HORMOOD ee ku biiray xisbiga KULMIYE , waxaana hadaladiisa ka mida ahaa "Ummadda halkaa soo tubani way garran kartaa sababta uu ururkii HORMOOD ula midoobay xisbiga KULMIYE". Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Muj: Maxamed Kaahin Axmed hore uga mid ahaa hogaamiyayaashii ururkii ASAD, laakiin hadda ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE, isaga oo ka mid ahaa qoladii ASAD ee KULMIYE ku biirtay, wuxuuna sheegay in siyaasadda ay doonayaan aanay ahayn nooca siyaasadeed ee laga dhaxlay nidaamyadii diktaatooriyadda ee Siyaad Barre iyo nidaamkii shuuciyadda ee guulwaddaynta ahaa, laakiin Maxamed Kaahin wuxuu sheegay inuu ururkii SNM meesha ka saaray colaad guun ahayd oo sannado badan u dhexaysay Itoobiya iyo Somaliya, balse buu yidhi aanu C/laahi Yuusuf cidda meesha ka saartay colaaddaa, laakiin buu yidhi uu C/laahi Yuusuf waqtigan xaadirka ah khatar ku yahay nabadgelyada Somaliland iyo ta mandaqaddaba.

"Somaliland way leedahay awood ay talaabo kaga qaado C/laahi Yuusuf, laakiin waxay ilaalinaysaa nabadgelyada mandaqadda," ayuu yidhi Maxamed Kaahin, isaga oo intaa ku daray "Dadka Sool iyo Sanaag bari waxay xaq u leeyihiin inay wax doortaan, laakiin ma garanayo waxa ay dawladdu u dhamaystiri wayday maamulka."

"Dadka reer Somaliland waxay garran la’yihiin wixii ay xaqa u lahaayeen, taasina ay tahay ta keentay inay maanta ictiraaf raad-raadiyaan"ayuu mar kale yidhi Maxamed Kaahin, isaga oo sheegay inay ummaddu taariikh yeelato, taariikhdeedana ay tahay ummad taqaan, wuxuuna yidhi "Waa nasiib daro in raggii ka dhiidhiyey wixii shicibka lagu samaynayey maanta halkan laga caayo, ita aad sidaa tihiina ictiraafna heli maysaan, duliguna wuu idin saaranayaa."

Waxa kale oo iyana halkaa ka hashay marwo Canab Cumar Ileeye, iyadoo halka ka jeedisay khudbad kooban oo ay kaga hadashay wacyiga dalka iyo arimo doorashada la xidhiidha.

Top


Waxaan U Imid Inaan Dalkayga U Adeego

Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa

Aniga oo ah Dr. Cali Sh. Ibraahim Sh. Cumar Sh. Madar (Cali Qaadi) isla markaana tixraacaya qoraalkii ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya 14/03/03 waxaan dadweynaha sharafta leh ee reer Somaliland halkan ugu cadaynayaa inaanan anigu wax lacag ah u baahnayn. Maalintii ay da’daydu gaadhay 30 jir, waxaan kari karayay inaan joojiyo shaqada aan hayay, sababtoo ah waxaan haystay oo aan shaqaystay lacag igu filan, ilaa inta aan dhimanayo. Waxaan ku jiray markii dambe dadka ugu mushahar badan woqooyiga Ameerika, imika Hargeysa waxaa ii shaqeeya tiraba 8 qof oo aan jeebkayga ka siiyo mushaharkooda.

Sidaa daraadeed waxaa ku leeyahay Hargeysa Shaybaadh casri ah dadkana waxaan ku daweeyaa oo aan ku qalaa lacag la’aan. Wax lacag ah kama qaado. Haddii aan qofkiiba ka qaadan lahaa (5000/=) Sl oo ah fiiga eegista, bishii waxaan qaadan lahaa in ka badan 1000$ Kun dollar, tan waxaan u sameeyay inaan dadkayga wax taro, dalka oo aan muddo aad u dheer ka maqnaa, dadweynaha sharafta leh waxaan la socodsiinayaa inaan u imid inaan wax taro ee umaan imanin inaan ka shaqaysto, waxaa dhameeyay Jaamacadda heerka sare ahayd 1960-kii waxaa dhacday in aniga oo wata inaan tacliinta dhakhtarnimada sii kordhisto, in dawladdii soomaalida ee markaa dhalatay ii yeedhay oo ii sheegtay inay aad iigu baahan yihiin, iyadoo uu dalka ka baxayo dhakhtar Ingiriis ahi. 

Dadkayga iyo wadan jacayl awgii ayaan si deg deg ah u imid dalka, waxaan ka s shaqeynayay Hargeysa 9 bilood, wax mushahar ahna maan qaadan, waxa la ii bedelay Xamar waxaanan ka shaqaynayay 6 bilood mushahar la’aan.

Dhinaca Jaamacadda Hargeysa, lacaga igaga baxda mooyee wax lacag ah oo iga soo gashay ma jirto, haba yaraatee, danta jaamacadda ayaan berri dhawayd u tagay Addib Ababa. Tigidhkii diyaaraddaa anigaa iska bixiyay iyo kharashyadii kaleba, waxa kale oo aan arrimaha Jaamacadda iyo horumarinteeda u tagay dalalka Ingiriiska, Holland, Jarmalka, iyo Canada intaas oo wadanba anigaa iska bixiyay tigidhka diyaaradda, iwm, nasiib wanaag waxaa jaamacadda aad u soo caawisay socdaalkaygaa ka dib qurba joogga reer Somaliland ee dunida ku baahsan waxa kale oo sidan oo kale u tagay Imaaraadka Carabta (UAE) anigoo u socda sidii wax loo tari lahaa Jaamacadda qurba joogga reer Somaliland waxay noo soo direen kumaankun buugaag ah iyo qalabka kale oy Jaamacaddu u baahantahay, tobankii cisho ee u dambeeyay, waxaan helay kumaankun buug oo ah qaarna yimaadeen qaar kalena aanu sugayno, iyo qalabka Internet-ka oo la socda markaa waxay ila tahay anigoon faanaynin inaan Jaamacadda wax wayn u taray , markastana aan diyaar u ahay, inaan da’ yarta soo koraysa aan waayo aragnimadayda iyo sumcadda aan ku leeyahay dibada wax uga faa’iideeyo, mar kastaba.

Sidaa darteed waxay ila tahay in jaraa’idka aan layskaga soo qorin wax aan jirin, oo ah been aan sal lahayn iyo raad midna lahayn."

Top


Bush oo digay ciraaq

Azure (W.Wararka) - "Berritoole waa daqiiqadii uu caddaanayay xaqa caalamku iyo sida aanu ugu socono nabad-gelyada iyo ammaanka adduunka. Waxa waajib ah in aynu aragno Caalamka oo labadaa arrimood ku socda." Sidaa waxa ku bilaabay Madaxweynaha Maraykanka oo shir-jaraa’id ay wadajir u qabteen ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska iyo ka Spain, kadib markii ay isugu yimaadeen shir-madaxeed ay ku yeesheen jasiirada Azure maalintii shalay.

Madaxweyne Bush isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu uga digay Madaxweyne Sadaam Xuseen inuu deg-deg u burburiyo hubkiisa halista ah, iyadoo aanu wax shuruuda ku xidhin, isagoo intaa ku daray in Madaxweyne Sadaam uu khatar ku yahay ammaanka Caalamka iyo xornimada, isla markaana uu yahay ma naxaan dhibaato ku haya dadkiisa, waxaanu ku eedeeyay inuu si ulo-kac ah isaga dhego-tirayo qaraarada caalamiga ah, sidaa daraadeedna aan loo dul-qaadan karayn.

Ra’iisal-wasaaraha Ingiriiska oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in isaga xulafadoodu ay ku dedaaleen bilihii tegay sidii Ciraaq loogu qancin lahaa inay ku dhaqanto qaraarka 1441 ee kasoo baxay golaha ammaanka, kaas oo dalbaya inay Ciraaq baabi’iso hubkeeda halista ah, waxaanu intaa ku daray in haddii aan digniin kama-dambays ah la siinin maamulka Ciraaq aanay waxba tarayn gor-gortanka lala leeyahay oo dib-u-dhac uun ku ah hawlaha la wado.

Ra’iisal-wasaaraha Spain ayaa isna sheegay in isaga iyo labadiisa saaxiib ay diyaar u yihiin isku day kasta oo lagu dhammayn karayo xiisadaasi, waxa uu intaa ku daray in haddii Sadaam Xuseen uu doonayo in dagaalka laga hortago, in looga baahan yahay inuu taa wadadeedii maro, isla markaana uu burburiyo hubkiisa halista ah.

Waxay tani ku soo beegantay iyadoo ay maraykanka kasoo yeedhayaan digniino ku saabsan inay bilaabayaan weerar lagu qaado Ciraaq, waxaanay ka dalbadeen Sadaam Xuseen inuu ku dhaqmo waxa laga doonayo inta aan dagaal lagu qaadin, saacadihii u dambeeyayna waxa socday dedaal iyo isku-dayo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa dagaal iyo weerar lagu qaado Ciraaq.

Top


Saddex dawladood oo African ah

Abuja (W.Wararka) - Madaxda Saddex dawladood oo African ah ayaa maalintii shalay ugu baaqay Maraykanka inuu daad-guraysto ciidamadiisa uu ku soo ururiyay hareeraha dalka Ciraaq, iyagoo intaa ku daray in hanjabaada ah weerar lagu qaado Ciraaq uu xaqiijiyay hadafkii laga lahaa oo ah in hubka laga dhigo Ciraaq, sidaa daraadeedna aan loo baahnayn weerar lagu qaado dalkaasi.

Madaxda saddexdaa dal oo kala ah madaxweynayaasha Nigeria, Koonfur-Africa iyo Senegal oo beryahan dambe noqday af-hayeeno caan ah oo u hadla qaaradda Africa, waxay sidaa ku sheegeen dhambaal wadajir ah oo ay u direen Q. Midoobay, iyagoo intaa ku daray in dagaal kasta oo lagu qaado Ciraaq uu keenayo dhibaatooyin dhaqaale oo soo gaadha qaaradda ugu fiqiirsan Caalamka oo ah Afrika. Waxaanay cadeeyeen inuu Maraykanku ilaaliyo qawaaniinta caalamiga ah si hubka looga dhigo Ciraaq, iyadoo ahmiyadda la siinayo xalka diblomaasiyadeed.

Iyagoo la hadlaya Q. Midoobay waxay sheegeen inay tahay hay’adda keliya ee ay dusha ka saaran tahay inay xaqiijiso hab-dhaqanka dalka Ciraaq, sidaa daraadeedna looga baahan yahay inay xilkeeda kasoo baxdo.

Tallaabadan waxa lagu tilmaamay dhaq-dhaqaaqii ugu weynaa ee ay dalalka African-ku ka sameeyeen hawlgalka lagu diidan yahay weerar lagu qaado Ciraaq, iyadoo loo arkayay muddooyinkii dhowaa in codka Afrika uu ka maqan yahay dhawaaqyada lagu dalbayo in la baajiyo weerar lagu qaado Ciraaq.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Khabiir Axmedow Qoodiga Madihiisii Ma Awdal Buu Galay?

Waxaan akhristay maqaal lagu soo daabacay wargeyska Haatuf, tirsigiisii 288 ee soo baxay Jimcihii March 14, 2003. Wuxuu maqaalkani ku saabsanaa wareysi lala yeeshay Axmed Cali Gaydh oo lagu sheegay inuu yahay khabiir ku xeel-dheer arrimaha deegaanka iyo juqraafiga, isla markaana aqoon u leh xeebaha waqooyi-galbeed ee kulaala badda cas.

Maqaalkan oo cinwaan looga dhigay "Maxaa Sababay Khilaafka Xeebaha Galbeedka Somaliland," wuxuu khabiirku ka hadlay khilaaf in badan soo noqnoqonayay oo ku saabsan degmada Lughaya oo la isku haysto.

Khabiirku waxa kale oo uu ka waramay Taariikh aan jirin oo uu ku muujinayo in ay degmada Lughaya ka tirsanayd waxa uu ugu yeedhay gobolka Hargeysa ee Waqooyi Galbeed.

Haddaba Axmed, isaga oo khabiir sheeganaya waxaa haddana muuqata inuu ka madhan yahay aqoonta uu sheegayo inuu u leeyahay deegaanka uu ka hadlayo walaalkay. Axmedow anigu aan ku toosiyee dalkeenu wuxuu ka kooban yahay lix gobol oo ka soo farcamay lixdii degmo ee Ingiriisku inoo qaybiyay ee kala ahaa Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco, Laas-caanood iyo Ceerigaabo. Tusaale haddaan u soo qaato Lughaya, Saylac iyo Baki, waxay ka soo farcameen degmadii Boorama ee ay ka tirsanaayeen. Sidoo kale, degmooyinka imika hoos yimaadda gobolka Hargeysa, waxay iyaguna ka soo farcameen degmadii hore ee Hargeysa. Marka aad leedahay Lughaya waxay ahayd degmo hoosaad hoos timaadda degmada Gabiley, miyaanad ogeyn in ay Gabiley la mid ahayd Lughaya oo midna laga xukumi jiray Boorama, midna Hargeysa?

Intaa kumaad joogsan ee waxaad haddana tidhi; "Lughaya iyo xuduudaheeda cidii doontaa ha ku noolaatee waa Gobolka Hargeysa." Haddaba, khabiir Axmedow, sheekadaadu miyaanay u muuqan mid aan lugo ku taagnayn oo aan ka tagsanayn dhaqankii dey-deyga ee ahaa "Ku qabso ku qadi meyside."

Marka la eego khariidadda, waxaad arki kartaa lixdii degmo ee Ingiriisku dalka u qaybiyay, Saddex degmo in ay u furnaayeen badda cas, kuwaas oo kala ahaa Boorama (Awdal), Berbera (Saaxil) iyo Ceerigaabo (Sanaag).

Khabiir Axmedow, adigu ma waxaad rabtaa in aad wax ka bedesho khariidadda soohdimaha dhulka ee Ingiriisku jeexay, adiga oo sida aan hadalkaaga u fahmay jecel in aad bad u raadiso gobol aan bad lahayn?

Haddii aad sidaa rabto, aan talo ku siiyee waa in aad sharciga waafajiso ood dooddaada hor dhigto Golayaasha Sharci-dejinta, adiga oo raacaya qodobka 109aad, farqadiisa 2aad iyo 3aad ee dastuurka Qaranka, kaas oo dhigaya haddii gobollada iyo degmooyinka la damco in wax laga bedelo, waa in ay xukuumaddu soo jeediso, iyadoo sababaysan, labada gole e sharci dejintuna ogolaadaan. 

Degmooyinka cusub ee la bixiyay mid kastiba waxay wax la leedahay degmadii ay ka hoos baxday ee ma aha in degmo kale wax looga goynayo. Daara-salaam, iyadana waa sidoo kale oo Lughaya waxba lama wadaagto ee waxay wax la leedahay degmadii ay ka go’day, sida ay Dilla wax ula qaybsanayso degmadii ay ka go’day ee Baki.

Waxaa kale oo aad xustay heshiis dhexmaray Beesha Ciise ee reer Cawil iyo reerka Sacad Muuse ee Isaaq, waxaanad tusaale u soo qaadatay 1814-kii oo ahayd waa sidaad hadalka u dhigtaye xilligii ugu dambeysay ee dagaal weyni dhexmaro labada beelood, kadibna waxaad sheegtay in ay Sacad Muuse u soo guureen Oogada, beesha Ciisuhuna u guurtay Djibouti xilligii gobanimada.

Haddaba waa yaabe, siday isku qabanayaan labadan taariikhood (1814 - 1977) ee aad u kala fog eed isku keentay, adiga oon ka fiirsan muddada u dhexaysa oo ah 134 sannadood, mase ogtahay in la hayo heshiishyadii Ingiriisku la galay Qabaa’ilkii uu dhulka ugu yimid, kuwaas oo caddeynaya qabiil kastaaba halkii uu degannaa xilligaa (1888). Bal diiwaanka taariikhda dib u baadh oo iska hubso wax kasta ood sheegayso.

Waxa kale oo aad xustay in arrintan xagga Siyaasadda looga faa’iidaysanayo, mana aad sheegin cidda uga faa’iideysanaysa.

Hadal iyo Murti, waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkayga; "Axmedow, ma deganna warkaaguye, bal doc uun iskugu baydh, wixii kuugu daran sheeg, ha lagaa daweeyee," mise khabiirnimada aad sheeganeysaa waa mid aan dhaafsaneyn qoodiga madihiisu kolba meesha uu kula galo oo waxaad tahay khabiir ayna u dhacsanayn rabitaanka shacbiga Somaliland ee ah in wax kasta laga hor mariyo danta guud oo la iska ilaaliyo wax kasta oo wiiqi kara midnimadeena, mise waxaabad tahay waxgarad burburka Somaliland loo soo kireystay.

Waxaan tuhunsanahay in ay Shabakadda Wararka ee Haatuf fikradaa la qabto khabiirka, haddii ayna la qabin waxaan jeclaan lahaa in aan arko ra’yigayga, sida aan uga akhristay ka khabiirka (Somaliland Times, Issue 60, Vol: 2, Saturday, March 15, 2003).

Maris Daahir Halas

Top


Ma sida Aan Moodayay Mise Sida Ay Noqotay:

Waxa aanu ahayn aniga iyo asxaabtayda qaar ka mida, ka dib markii aanu booqasho (visit) aanu ku tallo galnay in aanu ku tagno gobolka saaxil gaar ahaan magaalo madaxdiisa (Berbera) iyo magaalada kale ee sheekh oo ay magaalada berbera uun ay in yar uun isku jiraan oo saacado amaba wax ka yar uun loo sii socdo.

Waxa aanu halkan ka baxnay 12kii habeenimo waa hargeysa e anaga oo u sii jeedna xaggaa iyo magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera, waxa aanu sii marnay masaafada aad aragteen ee u dhaxaysa magaalada Hargeisa iyo magaalada berbera, socdaal badan iyo kaantaroolo kala du duwan oo aanu sii marnay ka dib waxa aanu gaadhnay amaba noo soo ifaysay dekada magaalada berbera ileyn waa habeen,e oo run ahaantii maka aad aragtid aad arkaysid quruxda dekada laydhadhka badnaa ee ku xidhnaa iyo weliba fogaanshaha aad ka fogtahay awgeed.

Haddaba anagu ku maanu sii hakanin magaalada berbera ee taransit (transit) ayaanu ku dhaafnay waayo ku talo galkayagu markii hore waxa uu ahaa in aanu soo daawano magaalada dalxiiska ku wanaagsan ee sheikh iyo dugsiga iyo dugsiga dhawaan dib u habaynta lagu sameeyay amaba laga dhisay magaalada sheikh ee boodhinka la yidhaahdo iyo dhamaan in aanu soo daawano dawga iyo guud ahaan buuraha iyo dhamaan meelaha kale ee loo daawashada tago, run ahaantiina waxa aanu isugu jirnay in hore u aragtay iyo in ay imika uun soo daawanayay anaga oo ahayn dhamaan arday wax ka barata dugsiyada sare ee dalka gaar ahaan kuwa magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa hadaba aniga magaalada Berbera iyo magaalada Sheikhba waxa iigu dambaysay wakhti imika laga joogo ilaa dhawr sanadood, waxa aanu gaadhnay magaaladii sheekh saacadu markay ahayd 5 subaxnimo baabuurka aanu saarnayn awgeed, ka dib waxa barri ka soo baxday cadceedii, anaga oo uu ku talo galkayagu ahaa in aananu sidaa ugu sii negaanin magaalada Sheikh, isla markaana dooneynna in uu qofna meel tago ileyn waxa aanu ahayn arday ku talo galkoodu ahaa booqasho transit ah oo doonayay in ay meel walba ka warkeenaan,ka dib markii aanu ka quraacanay hudheel ku yaala magaalada Sheikh ayaa waxa aanu bilownay in aanu bilowno booqashadayada, ugu horeyn aniga inan aanu saaxiib nahay oo (C/risaaq) la yidhaahdo ayaa is raacnay anaga oo ku sii jeedna dhinacaa iyo cusbitaalka burbursan ee magaalada sheekh, run ahaantiina cusbitaalkaasi waa cisbitaal aad quruxdiisa aad yaabayso waa haddii aad aragtaye isaga oo welibana burbursan kaba darane haddii aad gudihiisa gashid waad yaabaysaa hanaanka iyo habka quruxda leh ee uu u dhisan yahay cisbitaalkaasi, Haddaba waxa ayaan darro ah inaga oo haysana cisbitaalada caynkaas oo kale ah in aynu dayac tiri wayno? Sababta oo ah xukuumada Somaliland oo haba yaraatee wax xil ah aan iska saarin dayac tirka cisbitaalkaasi iyada oo uu cisbitaalku yahay kan ugu muhiimsan ee dadka iyo dalkaba faa,iido u ah haddaba haddii ay xukuumadu wax qabad la dooneyso dadkeeda iyo dalkeedaba jamhuuriyada Somaliland waxa hubaal ah in aynaan xukuumadu u weydeen agab yar oo ay cisbitaalkaasi ku dayactirto iyada oo welibana kaa shanaysa hayadaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahaynba waayo cisbitaalku waa shayga ugu muhiimsan ee ay dadka reer Somaliland ay u baahan yihiin.

Haddaba booqashadayaddii cisbitaalka ka dib waxa aanu u sii jeedsanay in aanu tagno dugsiga laga dhisay magaalada Sheikh ee (boodhinka) loo yaqaano ee dhawaan sida la yaabka leh loo dayac tiray iyada oo ay weliba mahadaasi ay leedahay hayadii dayac tirtay, haddaba dugsigaas marka aad sheeda ka jaleecdo waxa aad arkaysaa iskuulku baaxada uu leeyahay iyada oo ay weliba u dhan yihiin wax alaalliyo wixii uu ardaygu u baahnaa, sida meeshii lagu ciyaarayay ama ha noqoto kubada cagta amaba ciyaaraha kale ee ay ardaydu aad u xiisayso iyo dhamaanba waxyaabihii isboortiga loogu talo galay, dhinaca kale dugsigu waxa uu leeyahay masaajid yar oo gudaha ku yaala oo habka uu u dhisan yahay aanad malaynaynin.haddaba dugsiga oo aanu saacado gudihiisa ku jirnay waxa aanu la kulananay wax yaabo naftaada raali gelinaya iyo guud ahaan waxyaalo kale.

Kadib markii aan ka soo baxnay dugsiga waxaanu soo marnay meelo kale duwan oo magaalada ah, iyo guud ahaan markii magaalada soo wada marnay ayaa waxa aanu bilawnay in aanu ka baxno magaalda anaga oo usii jeedna dhinaca iyo magaalada Barbara, hadaba intii aanu ka bixin magaalada waxa aanu kolba istaagaynay buuraha waawayn ee magaalada Sheekh si aanu u daawano iyo anaga oo filim ka duubanaynay si ay xasuus ahaan noogu noqoto, aad ayaad ula yaabaysaa markaad aragtid buuraha sidaa aad u istaagtid ee aad istidhaahdid hoos u eeg amaba kor u eeg ayaabad khalkhalaysaa oo waxaabad kabaqaysaa in aad dawakhtid ood ka dhacdo buurahaa aynu aragnay. kadib markii aanu dhamaysanay guud ahaan booqashadayadii buuraha iyo guud ahaanba magaalada Sheekh. 

Kadib waxaanu afka saarnay laamida tagta magaalada Barbara, socdaalkayagii dhexda ku sii jirnay waxaanu arkaynaynay waxyaalo aad la yaabaysid sida adiga oo dareemaya dhago culays aanad hore u lahaan jirin sabata oo ah cimilada labada magaalo (Hargeysa iyo Barbara) oo kala duwan, iyada oo aad dareemaysid dhagihii oo ku cuslaaday oo marka aad hadlaysid aad adiguba hadalkaagii aanad maqlaynin amaba aad dirqi ku maqlaysid. 

Hadal iyo dhamaan waxaanu galnay magaalada Barbara saacadu markii ay ahayd 1dii duhurnimo anga oo u dhaqaaqnay in aanu qado tagno, kadib markii aanu soo qadaynay ayaanu magaalada oo kulul awgeed waxaanu tagnay meel barxad hadh ah oo qabaw si aanu ugu nasano.

Ka dib waxa markii aanu nasanay u dhaqaaqnay in aanu tagno dhinacaa iyo badda,markii aanu isha qac ku siiney badda waxa aanu aragnay waxyaabo ay naftaadu diidayso oo aanan anigu markii hore aanan ka fileynin (ma sida aan moodayay mise sida ay noqotay) waxa aan moodayay badeenan magaalada Berbera in ay tahay bad la mid ah baddaha caalamka oo ah bad ay u dhan yihiin waxyaabihii ay naftu dooneysay oo ah xeebo yar yar oo lagu raaxaysto loona dabaal tago oo waxa haddaba waxa sharaf dhac inoo ah oo cidii ina aragtaa ay inagu caayayso wax yaabaha loogeystay bada, waxyaabahaas oo ah waxyaabo aanay macquul ahayn oo ay dadka ajaanibka ah iyo dadkeenan reer Somaliland ba ay aad ula yaabayaan, hadaba waxa aan la kulmay baddii oo gebi ahaanteedba hareeraheeda lala soo doonanayo qadhmuun kasta iyo qashin kasta oon ay magaaladu leedahay iyada oo ay qof walba waa: kii wadada marayay, kii u dhawaa ,kii makhaayadaha agteeeda ah ku qayilayay iyo guud ahaan qof walba oo ay wax qabtaanba uu la soo doonanayo bada, saxaradooda, kaadidooda, iyo guud ahaan waxyaabo kale oo aad ka naxayso oo laga ilaaliyo badaha caalamka, haddaba waxa aad arkaysaa iyada oo ay badda ku talaalan yihiin Tuumbooyin waaweyn oo dhulka la soo hoos mariyay iyaga oo ah bulaacadihii xaafadaha, iyo bulaacadihii hudheelada oo dhan hadaba waxa aad arkaysaa tuumbooyinkaas oo sida waxyaabo ay kamid yihiin biyihii uskaga ahaa, kuwii faraxalka ahaa, kuwii kaadida iyo saxarada waday ay dhamaantood ku shubayaan badda, oo isla mar ahaantaasina ay badda midabkeedii uu isbedalay iyaga oo isku bedalay midab kale oo aan aheyn midabkii baddaha lagu yaqaanay.

Haddaba maanta waxa ayaan darro ah inaga oo maanta haysana hanaankii iyo habkii dawladnimo isla markaasna ah dawlad dhan oo buuxisay shuruudihii dawladimo in ay xukuumadeenan talada dalka haysa ay ka gaabisay hawsheedii guud ahaanba, kaba darane waxa aad mararka qaar la kulmeysaa xeebaha iyo badda Somaliland iyada oo laga guranaayo kheyraadka ay baddeenu hodanka ku tahay dad ajaanib ah oo aan kalluunka u kala eegaynin mid yar iyo mid weynba iyada oo ay wada qaadayaan kalluunka yar yar ee imika uun dilaacay gebi ahaantiiba oo ay baddeenu maalin dhow ku dambeyn doonto xaaluf waa haddii ay sidaa ku sii socoto,e oo aan waxba laga qabanin, iyada oo ay umada ajaanibka ahi si aan sharci aheyn u xada kheyraadkeena bada .

Maxamed Axmed Xuseen (Maxamed case)
Maxamed Case
Hargeysa

Top


Xisbigaynu U Dooranaa Hogaaminta Dalkeena Ee Horumar Gaadhsiin Kara?!

Sidaynu wada ognahay waxaa fooda inagu soo haysa doorashadii madaxweynaha dalkeenan Somaliland sidaa awgeed, waxaa qof kastoo u dhashay dalkan Somaliland oo muwaadina ku waajiba, inuu ka fiirsado oo si qoto dheer uga fikiro cidii ama xisbiguu u dooran lahaa hogaaminta dalkiisa, oo uu siin lahaa codkiisa.

Haddaba waxaa iminka dalka ka jira saddex xisbi qaran oo waligood jiri doona, isla markaana sharci ah, oo ka soo baxay lixdii urur ee jiray, ee ka soo qayb galay doorashadii golaha deegaanka.

Intaa ka dib su’aasha isweydiinta leh, waxay tahay waa kee, saddexda xisbi qaran ee jiraa, ka dalkan iyo dadkan wax u qaban kara ee horumar gaadhsiin karaa?

Jawaabta su’aashani waxay tahay marka hore xaqiiqada waxay soo mareen maamuladii xukuumadihii Somaliland ee shalay iyo maanta, oo ay jagooyin sarsare ka hayeen, laakiin se xisbiga UCID kamuu mid ahayn oo kamuu qayb qaadan maamuladii soo maray Somaliland, muddadii laba iyo tobanka (12-ka sanadood) ahayd ee dalkani soo daalo-dhacaayay.

Sidaa darteed, haddaynu ka eegno xagga dhismaha maamulka xisbiga UCID, waxay yihiin:-
Waa aqoonyahano badankoodu dalalka dibadaha wax ku soo bartay, isla markaana haya maskax fayaw oo cilmi ku salaysan, oo Saafiya oo caafimaad qabta.

Waa aqoonyahano aan wax xil ah ka qaban xukuumadda dalkeena, sidoo kalena aan cidna godob ka galin oo xumaan oo dhan ka nadiifa.

Waa aqoonyahano, aan haba yaraatee aqoon qabyaalaadda iyo ku dhaqankeeda iyo wixii la mida sida, eex, qaraabo-kiil, qof jeclaysi, hanti urursi iwm.

Waa aqoonyahano ay ku dheertahay wadaninimada oo u daacadda dalkooda, iyo dadkooda, isla markaasna aaminsan mabda’a Somaliland iyo gooni isu taageeda.

Waa aqoonyahanadii Somaliland Forum, oo aynu lawada socono ololaha ay dibadaha ka wadaan iyo siday albaab kastoo caalamkaa u garaaceen ee ay qadiyada Somaliland uga dhaadhiciyeen dunida oo idil. Tusaale waxaa kuugu filan gudoomiyaha xisbigan UCID, Faysal Cali Waraabe inta madax sarsare oo caalamkaa uu la kulmay oo uu kala hadlay qadiyada gooni isku taaga Somaliland iyo dib ula soo noqoshada xornimadeena iyo dawladnimadeena.

Taasoo aynu odhan karno, may soo qaban madaxdii hogaaminaysay dalkan Somaliland.

Haddaba markaad eegto intaasoo qodob, xisbiga UCID waxa uu yahay xisbiga kaliyee laga yaabo inuu dalkeena gaadhsiin karo horumar deg deg ah oo dhinac kasta leh.

Sidoo kalena keeni kara ictiraaf sababtoo ah xagga dibadaha ayuu ku horeeyaa oo madaxda caalamkuu xidhiidho hore la soo yeeshay.

Intaas ka dib waxaan dadweynaha kula talinayaa inay codkooda siiyaan xisbiga UCID, oo hogaaminta dalka u doortaan, waayo waxaa ku jirta danta guud ee dalkeena iyo dadkeena, waxaana aad u fiican in qof kastaa eego wixii dhamaanteen u dan ah, balse aanu codkiisa u bixin dan gaara oo uu leeyahay sida Qabiilnimo, xil loo dhiibayo, nin jeclaysi, dhuuni raacnimo iyo wixii la mid ah.

Ugu dambayntii waxaan leeyahay bulsha yahay bal ka fikira aayihiina dambe, intaanad codkaaga bixin ee aad awood u leedahay. Haddii kale hadhaw ha odhanin dawlad xumaa nahaysata. Musuqmaasuq baa jira, shaqo la’aan baa jirta, cadaalad xumaa na haysata, oo hala imanina calaacal iyo wixii la mid ah.

Iminkaad awood leedahay fikir bulshayahay.

Cidii aad dooran lahayd.
Mustafe Xasan Sawirle
Xasan Cabdi Kaahin
Hargeysa

Top


Kulmiyow Ka Haki, Kaalin Fiican Baynu Kaga Jirnaaye

Waxa maalmahan foodda inagu soo haya bilaabmaya ololihii waynaa ee doorashada madaxweynaha, taas oo runtii ah guusha ugu weyn ee aynu tiigsanayno, sidaas awgeed waxa ay dhamaan shacabka Somaliland diyaar u yihiin siday codkooda u sii lahaayeen xisbiyada saddexda ah ee qaranka midba kuu taageersanyahay sida aadka ah u raacsan mabaadii’da siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE ee mustaqbalka dhaw iyo ka fogba, gaar ahaana taabacsan qaab dhismeedka sharciga xisbiga ku kala socdo, waxaan aad iyo aad u jecelahay inaan toosiyo wixii dhaliilo ah ee uu leeyahay xisbigaaga KULMIYE kaas oo ah in uu gudoomiyahayaga na gadh-hayaa inta badan ku dedaalo siduu dadka iyo shacbi waynaha Somaliland uga raaridi lahaa, uguna cadayn lahaa barnaamijka siyaasadeed ee xisbigu leeyahay taas oo runtii ku dhisan xaqiiqda siyaasadeed ee uu maanta wadankeenu leeyahay.

Waxaa kale oo aan uga digayaa hogaamiyahayaga xisbiga Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu ka gaabsado arrimaha la xidhiidha shakhsiyaadka aan u dhigmin xag siyaasadeed iyo xag tacliimeedba,. Taas oo ah (Personal Attack) waayo waxa jirta in aynu taaganahay wakhtigii ay baxday maahmaahda soomaaliyeed ee tidhaa "Barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen" taas oo aan uga jeedo in ay dadka iskaga jiraan hogaanka fiican iyo hogaankii xumaa.

Gebagebadii waxaynu u oomanahay hogaankeena KULMIYE oo ah ninkii inoogu dambeeyay xagga maskaxda siyaasadeed.
Cabdi Ciise Maxamed
Hargeysa

Top


Madaxweyne Rayale Maka Warqabaa Magacii In Aan Ilaa Maanta Boodh Loo Samaynin (Magacii Marxuum Cigaal Airport)

Saddex bilood ka hor markii Madaxweyne Rayaale uu ka soo laabtay safarkiisii uu gobollada Bari ku tegay, wuxuu ugu magac daray Madaarka Hargeysa (Marxuum Cigaal) oo ahaa Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland. Dalalka Caalamkuna, dadka u soo halgamay ee taariikhda ku leh dalka, waxay ugu magac daraan meelaha muhiimka ah, Sida Eeribootyadda, garoomada, dugsiyada, jidadka, iwm.

Laakiin, nasiib-darro inaga taas habaar ayaa inagaga dhacay oo ma naqaano, balse waa in ay Xukuumaddu magacawdaa sida dalalka kale guddi la yidhaahdo Guddiga Magac-bixinta.

Waxaan uga socdaa taas oo ay ujeedadda maqaalkaygani tahay, iyadoo ilaa maanta aan lagu dhejin Madaarka Hargeysa, boodhadhkii muujinaayay magaca loogu magac daray ee ah (Cigaal Eeriboot), waxaanay ahayd in maalintii Madaxweynuhu amrayba lagu dhejiyo boodhadh sheegaya magacaas.

Sidaa darteed, ciddii hawshaas lahayd waa inuu Madaxweynuhu amar deg-deg ah siiyaa.
Ismaaciil C/raxmaan Cumar Xaashi, Hargeysa (Haatuf):

Top


Gar xeer beegti

Gar-jileed: Gar-jileedda waxa la yidhaahdaa kama taggana macne ahaan buus-buus ka horgee, waayo qofka garta loo sito ama loo sheeganayo ayuu ka horgeeyaa wax u eg waxa loo sheeganayo, waxaas oo dadka markaa jooga kaga qosliya, isaga doonaya sidii uu suurtagal uga dhigi lahaa sidii ay labadaa wax isku nooc u noqon lahaayeen. Tusaale ahaan nin baa beri waraabe dabbin u dhigay, ka dibna waraabihii oo dabbinkii ku jira ayaa nin kale soo maray ooo uu waraabihii oo dabbinkii ku jira dilay. 

Ninka hore ee waraabaha dabbay sababta uu u dabbay waxay ahayd inuu dilo, laakiin hadana isaga oo is leh wax baad kaga helaysaa ayuu ninkii kale ee waraabaha dilay qaanabay oo uu ku yidhi maxaad u dishay waraabihii aan dabtay, ka dibna Haa ayuu ku yidhi , dabadeedna waxa uu ku yidhi "ii keen waraabahaygii", ka dibna waxa uu ku yidhi "waayahaye soo qabso waraabe aan kuugu saanyo (qiimihiisa lagu sargooyo)", laakiin wuu soo waayey waraabe kale ilayn waraabe gacanta ugu jiraa ma jiro’e, sidaas ayuu dabadeedna ku garwaayey. Tusaale kale hadii aynu soo qaadano waxa la yidhi nin baa beri yidhi "Wan (Neef) aanu Berbera ku wadnay oo aanu isnidhi dawga Sheekh mariya ayey badhidiisa oo aad u waynayd noo mari wayday dawgii, dabadeedna nin kale ayaa isna yidhi "Beri baan ka shaqayn jiray hudheel, markaas ayaanu anaga oo 100 nin ah hal digsi wada xali jiray, boqolkayagaa nin oo aanu nin-na ninka kale arkayn, dabadeedna ninkii wanka ka sheekaynayey ayaa yidhi, "Taasi ma wax dhici karaa", ka dibna ninkii digsiga ka sheekaynayey ayaa yidhi "Hadaa ma sheekada aad ka sheekaynayso ayaa suurtagal ah", ka dibna halkaas ayey labadii nin isku liqi kariwaayeen oo ay iska kala tageen oo ay arintoodu noqotay "inaga baandhee". Sidaa awgeed garta tusaalayaashaa aynu soo qaadanay u nooc eg ayaa la yidhaahdaa Gar-jileed ama gar-badh. Laakiin sidoo kale waxa gar-jileed loo yaqaan garta aan dawga ay leedahay la marin ee la marin-habaabiyo.

Gar-kala dareeris: Garta la yidhaahdo garta kala dareeriska ma aha mid loo eego cadaalad, laakiin waxay ua egtahay xal ama garta muslaxa loo yaqaan ayey u egtahay, isla markaana ragga had iyo goor garta caynkaas oo kale ah wax ka tara ama wax ka qabtaa waa ragga ku sifoobay samatalisnimada.

Garta kala dareerisku cidna way ku jiifsataa, cidna way u sed-burisaa, laakiin had iyo goor inta badan waxa loo garta caynkaas oo kale ah loo qaadaa laba qabiil inkasta oo laba qof-na loo qaadi karo, masalan cidda ama qabiilka wax geystay waxay leedahay ama lagula dhaqmaa wax la yidhaahdo Qaboojis, jilid-salaax, sacabo-wadhad IWM. Marka arinta ama garta caynkaas oo kale ah lagu jiro waxa jirta xikmad Somalidu isticmaasho, taas oo ay tidhaahdo "Marka nin indho gar-darani ooyaan, indho gar leh maxaad mooday". Laakiin waxa jirta xikmad kale oo tidhaahda "Walaalkaa hadii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho", taas oo macneheedu yahay ninkii aad candhuufta ku tuftay gacantaada waad ka mari kartaa.

Cidda ama qolada wax tirsanaysa ama wax loo geystay iyadana dhinaceeda waxa loo jeedinayaa waxyaalo ay ka mid yihiin Naq, Cabatin, baanis IWM. Tusaale ahaan marka uu nin si kama’ ah u dhinto wax hidaayo ah ma laha ee waxa la kala qaataa ama la kala gurtaa magtii oo dhan oo ah boqolkii halaad, iyadoo jifidana mar la kala qaato, qubanahana ama magweyntana mar la kala qaato, hadii la doonana mar saddexaad wixii hadhaa magta ka ah la isa siiyo, laakiin kolayba meel nin ku dhintay ma hawl iyo taah yara, taas oo masalan hadii ay mar kale tiiyoo kale dhacdo ay qolada wax laga dilay odhanayso "maantana ma laynoo noqday, kii hore ayaanay deero-deero u hirdiyin". 

Laakiin bal aynu eegno sida arinkoodu noqonayo laba qolo oo ay hidaayo hore ka dhexaysay, hadana mar kale sidaas oo kale loo dilay hebel oo aanu reerka laga dilay ku jirin nin ka qiimo badani ama hadii aynu si kale u nidhaahno ahaa nin aanay reer hebel uga dambayn, ka dibna la isu soo qalab iyo rag urursaday, iyadoo muusanow la iskula dhex-wareegayo oo la leeyahay "Boqole boqol baa lagu doonaa", ka dibna tol kale oo labada reer ee dhiiladu ka taagantahay u simmani xaajada soo dhexgalo, iyadoo ay arintu meel-xun marayso oo ay ku dhowdahay inay faraha ka baxdo oo ay labadii col is-kulaalayaan, isla markaana ay hadimotalis iyo bagaan beloba meesha joogo oo Go’ ridayo, waxayna qolada soo dhexgashay tidhaahdaa "Belaayo hor la qabto ayey leedahay ee daba la qabto malaha". 

Waxa kale oo la yidhaahdaa "Reerku hadii aanu lahayn laba laba lagu gudo (Deeqsiyo), laba isu guda (Talo-qabeenno), laba laga gudo (geesiyiin) waxa la yidhaahdaa reerku reer ma aha, waxaana halkaa ka muuqatay inaanay reerka waxba ka dhamaanayn, mesalan ninkii oo boqol halaad ah hadii ay raggii dhexda ahaa ay xukumaan 150 Halaad iyo gabadh godob-reeb ah, isla markaana la yidhaahdo "Waa mag-dharaareed", mag-dharaareedna waa magtii oo hal mar la wada bixinayo oo aan sidii caadiga ahayd waxba loo soo noqonayn, laakiin marka sidaa la xukumo arintaasi xal kale malaha, gartaasina waxay ku foorartaa qoladii wax dishay...

La soco cadadka dambe.

Top


Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga Waxaa turjumay Muuse Shoodhe, Waxaa tifaatiray A.Ducaale

Mingistu: Dedalkayagu markii u horaysay waxa uu ahaa ama ka bilaabmay inaanu diblomaasiyadda iyo in xal siyaasadeed wax lagu dhameeyo ayuu ahaa, laakiin masalan Ereteriyiintu intaas oo sannadood mucaaradadii ay wadeen ma ahayn mid ay ku diidanaayeen dawladdii Xayle Salaase ee waxa ay u weernaayeen inay qaybtooda (gobolkooda) goostaan, balse anigu fekradaa maan aaminsanayn, isla markaana dawladda talada haysa hadii ay u dhadhami waydo ama goosigu ugu muuqan waayo wax caqligal ah, balse ismaan lahayn ama maan aaminsanayn in hadii uu isbedel yimaado in dhibaatada way sii wadayaan, oo waxaan is lahaa hadii ay wax isbedeleen naftooda ma halaagayaan. 

Sidaa awgeed hadii ay qabaa’ilada kala duduwan ee gobolada Itoobiya ku nool diidan yihiin maamulka anaga oo aan ciriqa qabiilka eegin guud ahaan hadii aanu helno xal aanu gobanimadayada ku helayno waa maxay waxa aanu dagaalka ku falaynaa fekradda ah ayaan anigu aaminsanaa, laakiin si aan fekradayda u fahamsiiyo, isla markaana fekradooda u fahmo ayaan aad isugu taxalujiyey, waxaana u diri jiray fariimo ah, "Waxaynu nahay dad walaalo ah oo isku dal qudha ah, mana wanaagsana inuu dhiig inaga daato, isla markaana hadii ay jirto cid doonaysa inuu dhiig inaga dhex-daato cidaasi waa cadawyadeena shisheeyaha oo keliya, ta kale maamulka kacaanka oo aanu helistiisa intaas oo rafaad iyo dhibaato ah u soo maray hadii uu maanta inaga xumaado ma jirto fursad dib inoogu soo noqonaysaa, markaa aynu iskaashano, isla markaana cid walina wixii ay dhinacooda sheeganayso ama wixii ay damacsan tahay hala isaga yimaado oo aynu ka wada hadalo, iyadoo hadii aynu isu nimaadno oo aynu wada fadhiisano aanu jirin wax aynu isku afgarran-waayeynaa". 

Markaa fariintii aanu u diray waxay ahayd sidaa, iyadoo aanu qolooyinka mucaaradka ah hawshan bilaabatay aanu ilaa xad fahamsiinayn waxa ay dhibaato geysan karto, isla markaana aanu aad ugu tilmaanay in wax isbedel nabadeed ku iman kara aan dhibaato lagu doonin, ka dibna waxaanu filaynay inay taa ka fiirsadaan oo ay wadada nabadda qaadaan ayaanu si sharaf leh ugu bal-balaadhinay. 

Hase yeeshee taa ka sokow waxaanu berigaa wefti ahaan ugu dirnay koox uu hogaaminayo Ra’iisal-wasaare Lij Makaa’iil Imiru, ayna ka mid ahaayeen taliye Unug Birhaanu Baayah iyo niman kale oo badan oo iyaguna ka socday gobolada badhtamaha dalka, sidoo kale Ereteriya waxa loo qabtay shir ay ku dhanyihiin rag ay dadku kalsooni badan ku qabeen iyo duqaydii dalku, laakiin shirkaa aanu Ereteriyiinta u qabanay jawaabtii aanu ka helay ama abaalkayagu wuxuu noqday mid ka duwan wixii aanu filaynay, taas oo markii loogu baaqay xal-nabadeed in arinta lagu dhameeyo ay soo jeediyeen fekrad ah "Hadii la awooday in la rido maamulkii Xayle Salaase ee aadka u awoodda badnaa, iska dhaafa maamulka dhergiga tiisa, waayo waxa aanu doonayno inaanu samayno waa wax aanu awoodi karo’e", dabadeedna fekraddaa qaldan ee ay muujiyeen iyo buuqii ay abuureen ayaa keenay inuu dedaalkayagii nabad-raadintu suurtagal noqon-waayo.
Qar-qaraxii ubaxii kacaanku intii aanu dil-dilaacin ka hor ururada gobanimadoonka ee Ereteriya waxay caawimo ka heli jireen dawladdii Dimoqraadiga ahayd ee dalka Yamen, laakiin markii dambe xidhiidhkii wanaagsanaa ee na dhexmaray anaga (Itoobiya) iyo dawladdii Yamen ayaa keenay inay masuuliyiinta dawladda Yamen sameeyaan dedaal ah inay kulamo isugu kaayo yeedhaan anaga (Maamulka Itoobiya) iyo ururada gobanimodoonka. Sidoo kale dawladdii Jarmalka Bari (East Germany) ayaa soo qabanqaabisay kulan anaga (Maamulka Itoobiya) iyo jabhaddii Ereteriya, kulankaasna waxa Ereteriyiinta uga soo qayb galay koox uu hogaaminayo Asayas Afawargi oo ah Madaxweynaha maanta ee Ereteriya, dhinacayagana waxa nooga qayb galaay ergo uu hogaaminayo Burhaana Baayah, waxaana labadaa kooxood wada hadal ku dhexmaray dalka Jarmalka Bari, ka dibna shirkaa waxaanu ku gaadhnay heshiis ah in xabad-joojin la sameeyo, ka dibna aanu si nabadgelyo ah wada tashiyo u samayno, isla markaana wixii khilaafaad ah iyo arimaha aanu isku maandhaafsanahay aanu si nabadgelyo uga wada xaajoono, balse dedaalkayagaasi waxa uu noqday waxba kama jiraan oo iyaga (Ereteriyiinta) ayaa diiday....

La soco cadadka dambe. 

Top


Waadiga Ciyaaraha

Horyaalka talyaaniga iyo ciyaarihii u dambeeyay

Naadiga Inter Milan oo sii haysatay kaalinteedii 2aad ee ay kaga jirtay oo ay yeelatay 54 dhibcood marka ay ciyaarta Como ee shalay kaga adkaatay 4 gool iyo Eber halka ay horyaalka Juventus ku haysato 57 dhibcood markii ay dorraad sabtidii kaga adkaatay Madina 3-0 halka ay weli AC Milan ka haysato kaalintii 3aad oo ay leedahay 49 dhibcood markii dorraad Sabtidii ay bar-bardhac noqdeen iyada iyo Ragina, iyadoo naadiga AC Milan Sabtidii gashay barbardhicii 3aad.

Haddaba naadiga Como oo kusii dhacaya kooxaha heerka labaad (Serie B) ayaa goolasha naadiga Inter ka dhalisay waxaa 2 gool dhaliyay ninka afka hore uga ciyaara Inter Milan, Christian Vieri, oo hoggaanka goolasha Talyaaniga ugu sareeya oo leh 23 marka lagu daro labadiisaa gool ee shalay uu dhaliyay, isagoo weliba dhinac mariyay rigoore ciyaarta dhexdeeda loo dhigay, qaybtii dambena laga diiday gool uu dhaliyay kaasi oo uu ku saddexaysan lahaa goolashiisii shalay. Kooxda Inter waxa labada gool ee kale u kala dhaliyay Gabriel Batistuta oo goolkiisii labaad dhaliyay shalay tan iyo intii uu kasoo wareegay kooxda Roma iyo DeBagio oo dhexda uga ciyaara kooxda Inter.

Pavel Nedved waxa uu ku caawiyay inay Juventus sii hayso hoggaanka.

Pavel Nedved waxa uu u dhaliyay 2 gool isagoo goolka saddexaadna uu ku daray Trezeguet, iyagoo 3-0 kaga adkaaday naadiga Madina, ciyaartaasi oo ah ciyaartii 11 aad ee aan laga badin Juventus.

Haddaba iyada oo laga diiday gool uu ugu horayntii dhaliyey weeraryahanka Madina u ciyaara ee Fabio Vignaroli, ayaabaa Nedved Juventus u dhaliyay goolkii koowaad daqiiqadii 54aad ee ciyaarta qaybteedii dambe.

Nedved oo intii Liigu socday naadigiisa u dhaliyay 8 gool ayaa beryahan dambe ah ninka wada naadiga guulihiisa.

Roma 0 - Perugia 1
Halka naadiga Roma sannadkan uu sii daadegayo, ayaa shalayna naadiga Perugia 1-0 kaga adkaaday, naadigan Roma waxaad moodaa in sannadkan guul-daradu la dhalatay.

Notes
Kabtanka naadiga AC Milan, Poalo Maldini oo sabtida soo socota ciyaari doona ciyaartiisii 500aad oo ay la ciyaarayaan Juventus, kulana ciyaarayaan gurigooda San Siro, ayaa sheegay inuu ku rajo-weyn yahay inuu damaashaadi doono, iyadoo ku beegan xaflad ah ciyaartiisii 500aad ee uu u ciyaaro naadiga AC Milan, isagoo aan funaanad naadi kale weligii xidhan.

Top