Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 291 March 22, 2003

Qalabkii Doorashada Madaxtooyada Oo Dalka Soo Gaadhay

Madaxweyne Rayaale Oo Ka Soo Hoyday Safarkiisii Galbeedka Somaliland

Dhakhtarka Hargeysa Iyo Baaqa Caawimo Raadiska

Diblomaasiyadda Iyo Habmaamuska

Jilba dhiig Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamad, waxaana tifaatiray Axmad Ducaale:7 aad

Dhlinyaro Ku Biirtay Xisbiga UCID

Booqashada Madaxweyne Rayaale Ee Boorama Waa ciyi Waa Ka Beryey

HADII FOOLI TIMIAADO XIL-QADRSIIMO HADHEY

Waa Nalagaga Baxay Heshiiska Suuqa Gobanimo

Inqilaab Ka Dhacay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

RAADYOW MA QALOOSHE


Qalabkii Doorashada Madaxtooyada Oo Dalka Soo Gaadhay

Hargeysa (Haatuf) qalabkii loogu talo-galay doorashooyinkii madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka dhacaan, ayaa shalay oo gaadhay garoonka diyaaradaha Hargeysa.

Gudoomiye xigeenka guddida doorashooyinka qaranka C/laahi X. Cumar oo ay weheliyaan xubno guddida doorashooyinka ah iyo xubno ka wakiil ahaa, saddexda xisbi ee KULMIYE, UDUB, iyo UCID ayaa diyaar ku ahaa madaarka, iyagoo halkaa ku sugnaa ilaa barqadii saaka ka hor intii aanay diyaaradu iman.

Gudoomiye xigeenka doorashooyinka C/Laahi X. Cumar ayaa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay ku sheegay inay ku jiraan diyaarawgarawgii doorashooyinka ee madaxtooyada, C/laahi wuxuu sheegay inay axsaabta ugu yeedheen si ay u ogaadaan imaatinka qalabka doorashooyinka ee waraaqaha codbixinta iyo khadkii oo la socda.

Wuxuuna sheegay inay maalmahan wadeen tababaroka socday gobolada iyo degmooyinka la siinayay guddiyada doorashooyinka ee gobolada iyo degmooyinka isagoo sheegay in Gobolka Awdaluu dhamaaday tababarkaasi, gobolka Togdheerna uu shalay ka furmay, halka Hargeysana ay ka bilaabanayaan 23-ka bishan.


Gudoomiye xigeenka wuxuu intaa ku daray in miisaaniyadii ay golaha wakiiladu ansixiyeen, islamarkaana ay wixii ka dhiman dhinaca miisaaniyada doorashooyinka wasaaradda maaliyaddu u balan qaaday maanta.

Dhinaca kale saddexda masuul ee ka wakiilka ahaa saddexda ee UCID UDUB iyo KULMIYE ayaa sheegay inay arkaan 34 kartuun iyo saxarad weyn, laakiin aanay garanayn waxa gudahooda ku jira, balse Maxamed Iid Dhimbiiloo u hadlayay axsaabtaa ayaa yidhi, "Guddidu way mahadsanyihiin sida ay noogu yeedheen, waxa gudaha sanaaduuqda iyo saxaradaha ku jira uma war hayno" alaabtaas oo la geynayay bakhaarka kaydkaee Komishanka qaranka waxa loo balamay in subaxnimada saaka la furi doono iyadoo ay goob joogka yihiin saddexda xisbi, waxayna saddexdooda masuul oo ka socday kala ahaayeen Axmed Cabdi Cismaan UCID, Maxamed Ibraahim Rijaal UDUB, Maxamed Iid Dhimbiil KULMIYE.

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Ka Soo Hoyday Safarkiisii Galbeedka Somaliland

Hargeysa (Haatuf) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale ayaa xalay fiidkii ku soo laabtay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu soo dhamaystay isaga iyo wefti uu hogaaminayaa booqasho todobaad ah oo uu ku soo maray degmooyin ka tirsan Gobolka Awdal iyo Hargeysa.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo Hargeysa ka tagay subaxnimadii hore ee maalintii salaasadii ee todobaadkii hore, waxa uu socdaal ku soo gaalaa bixiyay degmooyinka Lughaya, Saylac, Boorama, Dila, iyo deegaanada hoos yimaada isaga oo socdaalkiisa u dambeeyayna shalay ku soo maray degmooyinka Allaybaday, Faraweyne, Bali-Gubadle, Salaxlay, iyo deegaanada hoos yimaada madaxweynaha oo dadweynaha khudbado uga jeediyay dhamaan deegaanadaa uu soo maray waxa uu uga waramay marxalada uu dalku marayo, u diyaar garawga doorashada madaxtinimada, barnaamijka xisbiga UDUB iyo arrimo kale oo badan dhamaan goobaha uu madaxweynuhu soo marayna waxa lagu soo waramay in si diiran loogu soo dhaweeyay, socdaalkan oo ahaa kii ugu horeeyay ee uu madaxweyne Rayaale ku soo maro gobolada iyo degmooyinka galbeedka dalka, waxa uu qayb ka yahay ololaha ay axsaabta siyaasadu ugu diyaar garoobayaan tartanka madaxtinimada dalka.

Top


Dhakhtarka Hargeysa Iyo Baaqa Caawimo Raadiska 

Ururka Somaliland Health Promotion Trust oo ah hay'ad samofal (Charity Organizations) oo ka howlgala wadanka U.K iyo Somaliland ilsa markaasna ahaa ururkii hay'ada Comic Releif ee Somaliland film ka ka soo duubay la soo xidhiidhay kana codsaday in ay dadweynaha somaliland ku baraarujiyaan una sheegaan xiliga uu soo gelayo Barnaamijkii laga soo duubay Dhatarka Hargeysa ee ka baxay BBC1 kan Habeenkii Isniintii ee 10th March. 

Hadaba Barnaamijkaasi wixii lagala kulmay ama uu soo bandhigay qofna looga sheekayn maayo, waxa ay noqotay xasuus iyo murugo aan ka bixi doonin qof wal oo barnaamijkaas daawaday.

Barnaamijkaasi waxa uu soo bandhigay sida nolasha dadku u kala fogaatay isla markaasna dadka nasiibka nolasha fiican u helay aanay wax teegeero ah u geeysan walaalahooda tabaalaysan ee aan nasiibka u helin xataa in ay is daweyn karaan.

Ilaahay waxa uu yidhi (SWT) Marka aad kuwa dhulka jooga u naxariisataan ayaa idinkana aan samada idiinka naxariisanaa. 

Somaliland Health Promotion Trust waxa uu idinka codsanayaa in aad ka qayb qaadataan dib u habaynta dhakhtarka Hargeysa oo aad caawimada ku soo hagaajisaan ururkan, oo haatan ku guda jira diyaarinta fomamka Direct Debit ka si qofkiiba u saxeexo wixii uu bixin karo bishii ama wiigii, Isla markaasana Account ka ururka halkan aad ka heli doontaan wiigan soo socda si aad ugu soo dirtaan si toos ah wixii lacaga ee aad ugu talo gashay in si sadaqo hor ilaahay ah aad ugu kaalmaaysaan walaalahiinaas aan nasiibka u helin daryeelka caafimaad ee aan dalalkan dibadaha ku haysano.

Isla markaas ururkani waxa uu ururinayaa wixii qalab ah ee dhakhtarada laga soo helo iyadii oo dhakhtaro daawaday barnaamijkii ay la so xidhiidheen ururka, Hadii aad wax qalaba hayso ama meel lagala xidhiidhi karo waxaan kaa codsanaynaa in aad nala soo xidhiidho.

Wixii faahfaahin ah ee talo iyo tamirinba leh, kala soo xidhiidh fadlan 
Xogahayaha ururka 
Somaliland Health Promotion Trust 
Khadar Abdi Jaama 
Tel.01179551688 ama 07980343690 mobile. 
email: khadarhayd@hotmail.com

Top


Diblomaasiyadda Iyo Habmaamuska

C/Casiis Axmed Mousa Weriyaha Haatuf ee Koonfurta Asia 

Diblomaasiyadda Iyo technologyada Cusub Ee Aduunyadda.

Sida Uu Qoraayo Xeerka Caalamiga ah ee Vienna Convention Ee yeelashadda Xidhiidhka caalamiga ahi waxa uu mamnuucayaa in la baadho waxa kasta oo ay sitaan Diblomaasiyiinta shisheeyaha ahi ee dalka ku sugan.

diblomaasiga wakiilka ka ah dalkiisu waxa uu Goor walba xidhiidh la sameeyaa dalkiisa uu wakiilka uga yahay dalka uu joogo. Diblomaasiga uma haboona in uu madaxweynahiisa ama wasiirka arrimaha dibadda ugu warbixiyo telephone ama fax ama Internet maxaa yeelay waxa laga yaabaa in basaasiinta waaweyn ee dalkaasi joogaa ay heli karaan macluumadka la isku dirayo. Diblomasigu waxa uu isticmaalayaa marka uu warbixin ka dhan ah dalka uu joogo dirayo waa in uu dalka ka Dhoofo dabadeedna uu tago dalkiisii ka dibna uu warbixintiisa waji ka waji uu ku siiyo madaxweynaha iyo golahiisa wasiiradda...ama waa In uu warqad ugu diraa madaxweynaha postada Diblomaasiyiinta, taas ayaa Amin ah maxaa yeelay lama baadho Postada Diblomaasiyiinta. 

laakiin haddii la isticmaalo fax ama telephone waxa laga yaabaa in basaasiintu Ogaan karaan maxaa yeelay.

waxa si fudud loo Ogaan karaa haddii la isticmaalo telephone waxa ay ku wada hadleen 
diblomaasiga iyo saraakiisha wadankiisu ..dawlad waliba waxa ay leedahay qayb maamusha nidaamka isgaadhsiineed ee dalkeeda waxan u jooga basaasin Dhageysta waxa loo maleegayo Qaranka . 

Tusaale.
Baryahan Waxa soo baxay Technologyad Casriya oo fududaynaysa Xidhiidhka Diblomaasiyiinta iyo saraakiisha dalkooda ay wakiilka ka yihiin Technologyaddaasi waxa ay Dawladda U fududaynaysaa in ay ku kaydsato macluumaddkeeda Noocuu doono ha ahaadee. Dawalladu waxa ay sameysanaysaa line ama Khad Internet ah oo u Gooniya Dawladda khadkaas waxa ay ka iibsanaysaa Microsoft- ka ama Companyaasha waaweyn ee kale ee caalamka .. linekaasi waxa uu gaar u Noqonayaa dawladda. waxanu fududaynayaa yeelashaddaXidhiidhka xubnaha dawladda iyo Diblomaasiyiinteeda Aduunka Joogta. Khadkaasi waxa soo xidhaya Khubaro Muwadiniin ah oo lagu Amini karo Siyaasadda Dalka waxan ay dawladdu u yeedhaysa Dhalin yaradda I.T Information Technology-ga bartay kuwaas oo lagu Aamini karo sidii ay u sameyn lahaayeen Website-yadda Ama Shabakadaha dawladu leedahay iyo E-mailo u Gooniya wasiiradda Dawladda Iyo madaxweynaha, kuwaas oo ay Gaadh ka hayn doonan Khubaradda difaacdda Virus-ka la isku diro maxaa yeelay haddii Virus loo soo diro Shabakadda Dawlada waxa fududaan karta In la xado Password -ka Shabakadda ama la Jabsaddo E-mailka madaxweynaha, taas oo sababi karta in la akhristo Macluumadka Dawlladda .. waxana ku waajib ah in madaxda dawladu Aanay sameysan E-mailo Aan ahayn ka ay xukumaddu isticmaasho maxaa yeelay E-mailadda kale sida Hotmail, Yahoo , A.O.L , Rideffmail, waxa iska leh Shirkaddo waana ay dhici kartaa in la jabsaddo, e-mailladdaa sida ay qortay Dhawaan..

Cilmibaadhis kusaabsan isgaadhsiinta casrigan oo ay samaysay qaybta Privacy Foundation ee Jaamacada Delhi [University of Delhi] waxa ay dadweynaha adduunka ku baraarujinayaan sida ay khatar u tahay in la jabsankaro Macluumadka la isku weydaarsado emailka taas oo la akhrisan karo wararka amamacluumaddka xasaasiga ah iyada oo qofkii lahaa Anusan ka warqabin. 

Cilmi baadhistu waxa ay cadaysay khatarta ah in: 

Khadka emailka la jabsan karo ama la xidhiidhsan karo, taas oo markaas la ogaankaro halka ay Datadaasii kusocoto ama jidka emailka.

Tusaale.
Marka laba shirkadood arrin ganacsi kawada xaajoonayaan iyagoo email isudiraya, waxaa suurta gal ah in Data-da ay isweydaarsadeen lagaxidhiidhsankaro (xadikaro) qalabka emailka uu midkood adeegsanayo, halkaasna lagu ogaankaro datadii oo dhan 

Email sumaysan [bugged e-mail] waxay qabankartaa wararka kumanyaal email. 

Shirkado ayaaba lagayaaba in ay ku shaqaysataan arintan Ama Basaasinta Dawlladuhuba

Tani waxay khatarweyn kutahay shirkadaha dawladdaha (iyo dadka) wararka isku dhaafsada emailka. Waxaa dhici karta in shirkad madaxeedu uu email kula xidhiidho madaxa shirkada kale oo markaas ay isweydaarsadaan warar xasaasi ah. 

Hadii markaas uu jiro waxa loogu yeedho "e-mail wiretap" oo ah in emailka asalka wararka lagasoo diray ay ku xidhiidhsantahay qalab awood u leh helida wararkaas , markaas marwalba oo email laga diro emailka qofkii emeilku kusaocdey, waxaa nuqul ama 'copy' emailkaas ah ay si qarsoodi ah ugu tegeysaa emailkii asalka ahaa (ama meel loo qoondeeyey).

Sida kucad techrepublic.com, dhibaatadan emailka la xidhiidhsanayo kaas oo Engineer kambuyuutarada ah ee jaamacada Washington [University of washington] uu muujiyey cillada Microsoft ee laxidhiidhta arintan, taas oo aan ilaa hadda laxallin sida ay sheegeen TechRepublic. 

Hadaba waxaa haboon in aad dib u jalleecdid emailadii aad dirtay ilaa 1998 iyo kuwa aad heshay, gaar ahaan kuwo leh waxa loogu yeedho "Forward" taas oo noqonkarta email kuxidhiidhsan qalab meelfog yaal.

Si aad u ogaatid in emailkaagu uu arintaan halis u ayahay, marka hore fur dhambaal ama emailka, kaddibna eeg xeerka ama "source code" tan oo ay barnaamijyada emailadu ku kalagedisanyihiin, haddii ay arintani kugu adkaato in aad aragtid "source code" markaas Eeg qaybta "help" ee barnaamijka aad adeegsaneysid.

Hadaba qaybta "Source Code" waxaad ka eegeysaa in uu ka qoranyahay xeerka hoose: 
"contents + document.body.innerHTML;" 

Xeerkaasi waa kan sahlaya in JavaScript ay akhrinkarto emailkaaga. Kaddib waxaad eegtaa xeerka hoos kuqoran: 

"document.hiddenForm.message.value = contents;
document.hiddenForm.submit;" 
Xeerkaana waa kan sahlaya in emailkaaga la jabsan karo ama adiga oo aan ogeyn ay u dirmeyso meeshii laga hagayey. Haddii aan Browserkaagu kuu digin, markaas wararka waxa lagayaabaa in la xidhiidhsado 

Sidee looga hortigi karaa in la xidhiidhsado emailkaaga 
Si qayb kamida dhibaatada arintan loo xaliyo waa in lagadhigo JavaScript mid xidhan ama OFF. Si taas loo sameeyeno waxaa laraacikaraa qaabka kusharaxan bogga http://www.privacyfoundation.org/advisories/javascriptoff.html kaas oo muujinayaa qaabka saddexda barnaamij ee hoos ku qoran: 
Outlook 2000 
Outlook Express 5 
Netscape Messenger 6 
Waxaa kale oo jira in Outlook uu leeyahay barnaamin dawo ah oo laxidho barnaaminkaas oo laga helikaro microsoft.com.
Laakiin sidakucad techrepublic, arintaan ah in la xidho JavaScript [OFF] ma xallineyso dhibaatadii oo dhan, waxaana dhici karta in haddii email loo diro qof iyada oo la adeegsanayo "forward' isla mar ahaantaana uu qofkaasi barnaamijka uu adeegsanayaa aysan JavaScript-tigiisu ahayn mid xidhan [off] markaas Dhibaatadii halkii ayuu marlabaad kabilaabanayaa waayo xeerkii adeegsanayey xidhiidhinta ayaa markiiba soo labakaclaynaya.
Mar Aan Telephone-ka kula Xidhiidhay macalin ka mida Khubaradda Web-disining-ka oo la yidhaa Zubair Ahmed oo joogay Jaamacada Marathwadda (marathwada Univrsity ) Hindiya waxa uu ii Sheegay In la jabsan karaba E-mailadda Hotmailka Iyo Yahoo.com ama Rideffmailkaba.. waxana loo jabsan karaa ayuu yidhi in maadama passwordku yahay Latin xuruuf Ingriisya waxa lagu baadhi karaa aleph petada Ingriisigu ka kooban yahay oo dhan iyo xisaabta1-10.... waxan muddo dabadeed la helayaa passwardka taasi waxa ay qaadan kartaa ayuu yidhi in saacado badan lagu baadho ,
laakiin sida uu qoray wargayska ka faalooda Computerka Ee ka soo Baxa Bombay Hindiya Ee la yidhaa

EXPRESS COMPUTER...waxa uu sheegay in baryahan uu soo baxay CD loo adeegsanayo jabinta passwordkaaga -kaas oo ay macluumad badan uu ku kaydsan yahay waxan Cd-gaa ku shaqeysta Tuugta waaweyn ee Koonfurta Hindiya ku nool kuwaas oo horumar ka gaadhay khalkhal-galinta e-mailadda iyo jabinta macluumadada Computeradda aduunka ku kaydsan..xukumadda Hindiya ayaa iyana ka digtay in xabsi daa,im lagu xukumi doono ninka ku shaqeysta jabinta Shabakaddaha iyo e-mailada Ama Virus u dirka Shirkaddaha iyo bananka Aduunka . macluumaddkaas waxaad ka akhrisan kartaa wargeyska Express Computer ama www.nhindia.com 

La soco qaybaha kale ...

Top


Jilba dhiig Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamad, waxaana tifaatiray Axmad Ducaale:7 aad

Biixi isha ayuu ku dhuftay Xayaad oo aad shacnigeeda iyo wanaageeda yaabto, laakiin Biixi dhawr shay oo ay saaxiibadii ku soo tuurtuureen ayaa labadii ugu roonaa soo lebistay, wuxuuse tebayaa wax badan.

Biixi ma maqlayo, mana arkayo dhaldhalaalka iyo sawaxanka badan ee xafladda arooska, laakiin kaliya wuxuu isha ku hayaa Xayaad, wuxuuna hoosta ka leeyahay "Qorshe Weeye qalbigu armuu nala qarxaa."

Biixi saaxiibadii hareeraha ayay ka fadhiyaan, waxayna ku guubaabinayaan inuu xiniinyo isku booro oo uu gabadha la hadlo, muraadkiisana u sheegto, iyaga oo hoosta kaga leh ereyo ay ka mid yihiin "Saaxiib nin aan hadloon habartiina waxba ma siiso’e gabadha la hadal, muraadkaagana u sheego, fursadana haynaga dayacin."

Sidaa awgeed markii hawshii arooska ciyaar iyo shaqo kaleba la soo gebagebeeyey, oo ay caweysin dambe tahay ayey gabadhii Xayaad meel koone ah u yara baxday, iyadoo doonaysa inay buuqa iyo cidhiidhiga ka baxdo, dabadeedna Biixi oo caawa oo dhangaadha ka hayay eegayeyna fursad yar inuu helo aya intuu koone kale ah ka soo dhaqaaqay oo dadkii oo dhan soo qool-jeexay isa soo agtaagay Xayaad, wuxuuna si naxariis badan iyo miskiinimo ka muuqato u yidhi"Walaal Xayaad iska waran" isaga oo weliba gacan-qaad ula holladay, laakiin inkasta oo aanay gacanta u soo fidin, hadana salaanta way ka qaaday, waxayna tidhi "nabade iska waran" runtii Xayaad jawaabta ay ka celisay salaanta Biixi may xambaarsanayn naxariista iyo rabitaanka miiddu da’ayso ee Biixi la soo agjoogsaday, isla markaana Xayaad way yaaban tahay, waxayna hoosta ka leedahay "tolow muxuu doonayaa kii yaraa ee miskiinka ahaa ee uu caawa ka rabaa."

Laakiin Biixi markii uu salaamay ka dib wuxuu u raaciyay oo uu yidhi "walaal adiga oo iga raali ah, in yar koonahan isla kay taag adiga ayaan ku doonayaaye". Balse intii aanu hadalkiiba afkiisa ka soo dhamaan ayey tidhi, "Yaa, muxuu yidhi, ma anigaad I sheegaysaa."

Biixi oo uu awelba beerku dhakh-dhakh lahaa, ayaa markii ay Xayaad-na tiraabtaa tidhi wadnuhu sare u booday, ka dib-na sidii gaadhi biyaha iyo saliida isku daray ayuu hadalka bartireeyey ama sidii gaadhi dhiidhi galay ayaa hore iyo dib wax isu dhex-geliyey, wuxuunaku hadaaqay Haa....Haa Haa...Haa....Haa..., Hii.... Hii.... 

Nasiib darro Xayaad uma soo joogsan Biixi, oo inta ay ka mishiiqsatay, iskagana gundhisay oo weliba ku tidhi ereyo aflagaado ah ayey agtiisa ka dhaqaaqday, "Miskiin" ayaa ka mid ahaa, ereyadiiay ku tidhi.

Biixi taasi waxay ku noqotay dhir-baaxo culus, waxaana kor iyo kalba qooyey dhidid, buur-buuran, khajilaad darteed ayuu manja suux noqday, iyo muraaradilaac ayaa halleelay.

Ka dib-na isaga oo caga-jiid ah oo meeshii la saro, aanu dhiig ka imanayn ayuu inta uu hareerihiisa eegay mar qudha dusay, xataa dib uma eegin saaxiibadii, wuxuuna afka saaray dhinicii uu ka xigay qolkii uu jiifsan jiray, qalbigiisana qoon aanu hore uga soo kaban karin ayaa ku dhacday, intii uu socday wuxuu kusoo calaa-calayey weedho ay ka mid yihiin "Alla duulka dumar la yidhaahdaa nin aanay dooneyn u daranaa" iyo "Allahayow duulka hana jecleysiin nalagama karee, iyagana hana nebceysiin nalaguma karee". 

Laakiin wuxuu si kabtiyoba qolkii uu jiifsan jiray ayuu daf yidhi ka dibna isaga oo aan xagga iyo xagaa toona eegin ayuu qolkii oo madaw intuu deg deg isaga siibay shaadhkii iyo surwaalkii oo uu furaashkiisa gacanta ku taataabtay is-duubay oo uu go’ madaxa iyo minjaha maray dabadeedna dhawr cisho ayuu sidii qof duumo qaba ded-naa saaxiibadii ayaa isu habar-wacday, waxayna gorfeeyeen sidii ay Xayaad garawshiiyo, iyo aqbal uga dooni lahaayeen.

La soco........

Top


Dhlinyaro Ku Biirtay Xisbiga UCID

Hargeysa (Haatuf) Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, isla markaana ah musharaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID ayaa shalay khudbad kooban u jeediyay dhalinyaro kusoo biirtay xisbigiisa.

Sida uu sheegay gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey munaasibadaasi waxa xisbiga UCID ku soo biirtay laba urur dhalinyarooo ka kala yimid degmada K/buur iyo 26June kuwaas oo magacyadoodu kala ahaayeen HORUSOCOD oo ahaa dhalinyarada sheegtay inay taageeri jireen ururkii HORMOOD oo dhawaan la midoobay xisbiga KULMIYE qayb kamid ah iyo Almustaqbal oo ahaa ururkii dhalinyarada oo taageeri jiray xisbiga KULMIYE C/laahi Maxamed Boodhle oo sheegay inuu yahay gudoomiyihii ururka HORUSOCOD ayaa sheegay in ururkoodu ahaa mid si mutadawacnimo ah uga shaqayn jiray magaalada isla markaana markii uu hadhay ururkii HORMOOD ee ay taageeri jireen ay go’aansadeen inay ku biiraan UCID, oo uu ku sheegay inay ku doorteen isaga oo xisbiga UCID yahay mid ay qaadan karaan, afkaartiisa iyo siyaasadiisa.

Cabdi Axmed Maxamed ayaa isna sheegay inuu ka mid yahay ururka Almustaqbal oo sida uu sheegay taageeri jiray xisbiga KULMIYE laakiin ay hadda go’aansadeen inay ku biiraan UCID.

Gudoomiyaha abaabulka ee xisbiga UCID C/Samad ayaa halkaa ka sheegay inay dhalinyaradu tahay kuwii ay HORMOOD ku faanayeen, iyo qaybo kale oo ka soo go’ay KULMIYE.

Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan dhalinyarada ku soo biirtay, islamarkaana waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay axsaabtu koraan si looga baxo qabyaaladda. Gudoomiyuhu waxa uu intaa ku daray inaanay waxba ku kala duwanayn HORMOOD iyo UCID laakiin ay dhalinyaradu eegatay halkii mustaqbalkoodu ka dhawaa, raggii siyaasiyiinta HORMOOD ahaana ay tageen halkii kursigu ka dhawaa, laakiin waxaan idin leeyahay Ilaahay xaqa ha ina garansiiyo oo ha inoo dooro hogaamiye fiican ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Munaasibadaasi waxay ahayd mid lagu soo dhawaynayay dhalinyarada ku soo biirtay UCID, waxaana ka soo qayb galay dhalinyaro iyo haween isugu jira taageerayayaasha UCID iyo kuwa ku soo biiray.

Top


Booqashada Madaxweyne Rayaale Ee Boorama Waa ciyi Waa Ka Beryey

Waxan marka hore salaan u gudbinayaa Wargeyska HAATUF oo sawir run ah ka bixiya marxaladda dalka.Marka labaad ,anigoo ka mid ah muwaadiniinta reer Borama waxan halkan idiinkusoo gudbinayaa argatiga an ka qabo booqashadii Madaxweynaheennu ku yimi Boorama dhawaanta,taasoo an ku tilmaami karo mid wakhtigeedii dhacay oo an reer Boorama u lahayn wax manaafacaad ah.Waxa habboonayd in madaxweyne Rayaale intii uu reer Boorama wax u qaban karayey, ama uu fulin lahaa ballanqaadyo badan oo uu reer Boorama u qaaday intii uu ahaa Mdaxweyne-ku=xigeenka iyo intii uu madaxweynaha ahaaba ,ma iman dhulkan ,balse maanta oo xaaladda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee dalku marayo meel xun, ma filayo in la dhegeysanayo khudbaddisii wanaagsanayd ee uu nagaga waaninayey cunista jaadka.Waxay aniga iila ekeyd mid u eg olole siyaasadeed oo an la ogeyn waxa uu ku dambayn doono.Sidaa darteed waxan odhan lahaa in xukun lasoo hayo waad soo haysay ,dhibina kuguma gaadhin adiga iyo dalkaba. Sidaa darteed ka fiirso doorashooyinka soo socda sidaad caddaaladdii ad ballanqaadday u fulin lahayd. 

Maxamed Maxamuud (Shiine)
Boorama, Awdal.

Top


HADII FOOLI TIMIAADO XIL-QADRSIIMO HADHEY

Tan iyo kolkii bulshaweynta ku abtirsata Somaliland ee degan carigan ingiriiska ay daawadeen muuqaaladii yaxyaxa iyo naxdinta huwanaa ee ku saabsanaa dhakhtarka hargeisa kaas oo u eekaa hoyga hororka iyo looma ooyaanka, waxaa soo baxey tabaha ay adeegsadaan ORGOMAYAASHA faraha badan ee midabada badan ee dadka ku asqeeya siyaasada iyo qabyaalada aan fogeyn nuxurna laheyn taasoo ah gabood lagaga duwo muwaadinka toosan dhabaha saxda ah ee uu hayey, suaasha u badan ee dadku is weydiinayaan ayaa aheyd inta ka yar 20$ ee ay HODAN (ALLAH ha u naxariiste’e) u dhimatey miyaa la waayey iyadoo 100,000$ oo hantida umada ah lasiisto wax loogu yeedhey guryo, waxaa la feydey runtii iyo xaqiiqadii taaley Somaliland oo hadii uu dhakhtarkii ku yaalay magaalo madaxdu caynkan yahey kuwii ku yaaley goboladuna waa side? Ma dhakhaatiirbey ahaayeen mise BAHALO? Ma dawladbaa mise waa daneystayaal DHIIG MIIRATO AH? Meedey saxaafadu ma waxey dadka ku indha daraandariyaan siyaasad-la-moodan socota? Suaalahaasi iyo qaar kaloo badan ayaa ku dhex meeraya bulshaweynta qurbaha wadhan.

Akhriste xaalku maaha habartii docdeediyo degelkey ku nooleyd daruuruhu ku hooreen dadba wada hel moodoo daad wararac bey tidhi, dadku wuu u sawirnaa iney baahi jirto waxaanse meesha la soo dhigan in DAMIIR la’aani jirto hadey jirtana ilaa xadkan gaadhsiisan tahey, guriga madaxweynuhu wuxuu u jiraa in ka yar 30 talaabo, baarlamaanka waabey isku naban yihiin, golihii kale hadalkiisa daa, intuba 20 $ waxey ku cunaan quraac. Waar xagee la idinku xisaabinyaa dadyoow damiirka ka abaadey, kuwa la qariyey ee ku nool Sheikh Nuur waxaa u hiiliyey BILLY.

Meeshu waa Hargeisa hoygii raaxada oo hoosta ka ah hoygii dulmiga iyo hagardaamada, oo kuwa dibada joogana ku daroo laga seexdey midiyaha iyo seefahana loo afeeyey kii wax ku cunayey hadayse garowsadeen kuwii dibad-yaalka ahaa ee tolow kuwii gudaha jiifey dareenkooda bani-aadmnimo inuun wax mey iska bedeli doonaa waa su’aal u taal Abwaan, Saxafi, Qoraa, Dhakhtar, Ardey, Hooyo, Dhalin, Ganacsade, Duuliye sare, Dejiye hoose, Ma-naxe, Cunaaye, Damiir laawe, Dhiigya cab, YamYam iyo Qadaadweyn, MUJAAHID HALGAMEY WELINA HALGAMAYEY, bal aan dhowrno waayaha.

Muj: ISMAIL GADIID
LONDON
gadiidsomland@hotmail.com

Top


Waa Nalagaga Baxay Heshiiska Suuqa Gobanimo

Annaga oo Ah Ganacstada suuqa ganacsiga Gobanimo, gar ahaana ganacsatada khudradalayda bakhaarada iyo booshariyada iyo wakiiladda. Waxaanu banaynay kana guurnay halkii ama dhulkii na loo dhisi lahaa ka dib markii heshiis wada galnay anaga iyo guddiga suuqa ganacsiga Gobanimo, gudoomiyahana ka ahaa Cali Axmed Xuseen si dhismahasi noogu hirgalana waxaanu u galay khasaare balaadhan kaasoo aanu ugu samaynay sidii loo fulin lhaa ama u dhamaan lahaa dhismahasi.

Waxaase dhacday in si sharci darro ah loo afgambiyay gudoomiyihii suuqa ganacsiga Gobanimo Cali Axmed Xuseen, taasoo sababtay in dhulkii aannu banaynayna loo dhiso dad aan suuqa ka mid ahayn lagana keenay debbadda, ganacsatayadii khudradda ee meesha degenayd banaysataya xaqna u lahayd in ay maalgashato loona dhiso inaan haba yaraatee waxba naloo hayn. Khasaarahayaguna suuqa wadhanyahay waxaa kale oo intaa dheer markaanu ka hadalay arrintaasna waxaa naloogu jawaabay meeshan aad doonaysaan dad ayaa lahaa oo laga qaadaye orda oo taga Wajaale, taas oo ah midba kala sooc cadaan ah. Haddaba arrimaha ka taagan suuqa Ganacsiga Gobanimo oo ah arrin aad u ballaadhan saamaysanayna xag ganacsi xag siyaasadeed iyo xag nabadgelyaba waxaa lagama maarmaan ah in dawladdu si deg deg ah ugu soo gurmato, waxna ka qabato, intaanay arrintu faraha ka bixin.

Xaali C/laahi Suldaan
Maryan Yuusuf Cumar
Ruun Cumar Muuse 
Umalkhayr Xasan Bookh
Deeqa Barkhad Dhimbiil
Canab Muuse Axmed
Shamis Axmed
Xaliimo Maxamed Cumar
Raxma Maxamed Ducaale
ShugriAxmed Xajiin
Hargeysa

Top


Inqilaab Ka Dhacay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

Addis Ababa (W.Wararka) Ururka midowga Afrika ayaa canbaareeyay inqilaab ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe maalintii sabtidiiiyadoo uu madaxweynaha dalkaasi uu safar ugu maqnaa dibada.

Sida uu sheegay xoghayaha guud ee ku meel gaadhka ah ee ururka midowga Afrika Camaara Ciisa oo bayaan ka soo saaray arrintaasi ururka midowga Afrika waxa uu ka soo horjeedaa dhamaan isbedelada aan sharciga ahayn ee ka dhaca dalalka Afrika sidaa darteedna aanay aqbalayn isbedelka ka dhacay Afrikada Dhexe waxaanu intaa ku daray in guddiga ururka u qaabilsan dagaalada iyo qalalaasuhu ay si deg deg ah u kulmi doonaan si ay isula eegaan mawqifkalaga qaadanayo xiisada ka taagan Afrikada Dhexe.

Hogaamiyaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi ayaa isaguna ugu baaqay madaxda Afrika inay mawqif adag ka qaataan afgambiga ka dhacay Afrikada dhexe.

Wasaaradda arrimaha dibada ee Faransiiska war ay soo saartay ayey iyaduna ku sheegtay in ay jamhuuriyada Afrikada dhexe ka daad gureeyeen 80 qof oo ay ka mid yihiin 60 qof oo u dhashay Faransiiska si loogu badbaadiyo qalalaasaha Afrikada Dhexe.

Top


RAADYOW MA QALOOSHE

A.A.Garas

Sida malow shanshadu muruxday oo maro ku duubaaya
Ama mulac digaag meheriyoo, malab la dhuuqaaya.
Subxaayadii aroos maqashay oo soo mashxaradaysa.

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegeysataan labada mawjadood ee ilaaqyahanka iyo kaftan nuugga, akhyaartayada indhaha cadcadow, waxaynu soo gaadhnay wakhtigii aanu kaga jalaadin jirnay warkii dunida maanta:

Hargeysa
Madaxyuubka Jamhuuriyadda Shankaroonland, ayaa indhawaanlahanba meehanaabayay gobollada iyo tuulooyinka dalka, kadib markii toddobaadkii ina dhaafay madaxyuubku xeebta geela u arooriyay, kaas oo kalkii ugu horeeyay ka waraabiyay degmada Lughaya iyo tuullada kale ee Leghaya, isaga oo haddana ka durduuriyay ceelka kale ee Saylac-Guun. Khudbadihii geela lagu warabiyay, waxa la sheegay in Madaxyuubka laftiisu ugu luuqeeyay sidii nabadda loo beeran lahaa iyo sidii loo gaadhi lahaa habar marka la sheego.

Safarkan oo ahaa mid war-boobayaasha laga maarmay, balse dheg-ku-xoogleyaasha ayaa sheegay inuu safarkan ka dambeeyay cunsur saarida siyaasadeed iyo qorshaha kaambayn ku akaakowga oo loogu raqlaynayo doorashada dhawaan dhici doonta. Markii Madaxyuubku u durdurinayay xeebta galbeed, ayaa la sheegay in aan cidina soo eryan, balse baabuur yar oo ka mid ahwaashmaanadiisa ayaa baqayo rogtay, waxaana safarkaas ku shahiiday laba mujaahid, lix kalena dhaawac ahaan ayaa loo guray.

Madaxyuubka oo ka soo laabtay jiqyarta u dhaxaysa Jabuuti iyo Shankaroonta, isagoo khudbad uu hulluuqsiiyay dadka ka aboolaya Lowyo-cad iyo nawaaxigeega. Hadalkii uu xulluuliyayna waxa ka mid ahaa, "Annaga iyo Jabuuti kala dan baanu siyaasadda ku nahay, laakiin waxaanu heshiis ku nahay xaga isku socodka iyo isu aboolaynta dadka." Halkaas oo ay isugu soo baxeen dadka Jabuuti ka soo daawasho tegay iyo dad kale oo tuullada ka soo ciyaar guday, isagoo salaanna u tuuray madaxda Jabuuti.

Madaxyuubka oo isa soo labarogay, wuxuu jeeniga soo mariyay tuulooyinka Caasha-cad, Ceelgaal, Ceelmuslin, toqoshi, hadhagaala, Abooray, Giriyaad, Gaarisa, Cali Sabaax, Xariiryalay, Qun ujeeda, Qadaad ka jeeda iyo xaruta Gobolka Awdal, halkaas oo si xigaalnimo ah loogu soo dhaweeyay. Hadalo uu halkaa ka jiidayay ayuu ugu sheegay dadkaasi in ay nabadda ilaaliyaan, ragganimadoodana sii wataan, isagoo Madaxyuubku ku dardaaray in ay habarmar sameeyaan oo dalkooda wax taraan. Madaxyuubka oo is-labarogiisii sii wata, wuxuu isha soo mariyay Jifo mici dheer iyo Jifo dabadheer iyo degmooyinka Dila, Wajaale. Madaxyuubku markii uu tegay Wajaale oo si xasabonimo ka badan loogu soo dhaweeyay, hadalo uu halkaas ka jeediyay wuxuu ku yidhi; "Insha Allaahu Itoobiya way furi doontaa xuduudka annana ma xidhi doono." 

Madaxyuubku, wuxuu dhabaabaco ku soo fidiyay darida Geelleqayaad iyo degmada Gabiley, halkaas oo si kibirtay loogu soo dhaweeyay, isagoo khudbad laankaas le’eg u jeediyay: "Insha Allaahu, arrintiina Caada, waanu dhammayn doonaa nabaddana waanu ilaalin doonaa."

Madaxyuubka oo la filayo inuu uga sii gudbo degmooyinka Allaybaday, Faraweyne, Farayar, Balligubadle, Salaxley, Laanta Taalooga leh iyo Qoolcaddey. Madaxyuubka oo aan la ogeyn halka uu ku nasanayo iyo xilliga toona, waxaase loo malaynayaa inta doorashada ka hadhay dhababaco ku jirayo oo dalka oo dhanna soo khaawisayo, marka laga reebo Laas-caanood.

Socdaalkan oo ahaa kii ugu dheeraa ee Madaxyuub reer Shankaroon ahi dhulka ku eego. Safarkan oo loo baahnaa in Madaxyuubku arko ummaddiisu isha ay leedahay, ayaa la sheegayaa inuu ka mid ahaa kaambayn u meehanow, kaas oo loola dan lahaa walaalayaal soo dhiibdhiibta footka oo xisbigayga xaashida iyo xadidaba la ogaada.

Hargeysa
Kursi boobayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa shalayto ka ayshaaday khuuriyadda Hargeysa, halkaas oo uu madaxyuub-rabahoodu dadka khudbad huwiyay, hadalkaas oo faanna ku jiray, wuxuu kaga waramay farsamo wanaagga xisbigiisu soo wato, kaas oo ka mid ahayd kaambaynka ku akaakawga imika bilaabmaya, isagoo intii madaxyuubku maqnaa la haadsaday qadar xan sokeeye ah. Xisbiga UCID, ayaa isna la sheegay inuu ragganimadiisa kala bixinayo oo soo wado kaambayno kurus ah.

Saddexda Xisbi, waxay isku fara-saari doonaan doorashada bisha soo socota la geli doono, haddii aanay halkii la dhigay ka ordin, iyadoo inta ka horaysana la filayo in ay socota xumadda iyo xanaf wareerka xumadda doorashadu, iyadoo xisbi waliba xulbadiisa iyo xawaashkiisa is marin doono faankuna ka dhaxayn doono fagaaruhuna finaa u waasac u yahay.

Dirirtii Saddexaad
Maraykanka ayaa maanta oo keliya u gaal-gaalay golaha ammaanku in ay raali ka noqdaan rawixinta Ciraaq, kadib markii golahan cusub ee la baxay ‘waar kansal shir-gasiirad cidla ah ka soo saareen hadal ay ku yidhaahdeen gola ammaanka iyo waxaa iska daaya oo golahan dagaalka taageera.

Golaha ammaanka oo xalayto shiray, waxa isu daba jooga Ruushka iyo Faransiiska oo fiitooyo la yuurura ina dabadhoonka u ah, Ina Buush Mr. Balaydh, ayaa shalay sheegay Golaha Ammaanku in ay iska ogolaanayaan, haddii kale ay daarta nooga baxayaan. "Bikoos day are egesbaayir."

Dalka Ruushka ayaa isna yidhi; "Dagaalkaas ogolaan mayno, xataa haddaanu sakhraano." Madaxweynaha Faransiiska oo la hadlaya saddexda Madaxweyne dagalka ku sii xiimaya ayaa yidhi; "Dagaalka Ciraaq kuma dhacaan Ciraaq, ciyaalkan ciyaalku dhalay, hadday doonayaan waxay ku ciciyaaraan caruursada yaryar aabayaashood haw soo iibiyaan, laakiin Ciraaq noqon mayso meel carruurtu ku ciyaarto kindhar gaardhan."

Dalka Maraykanka oo dhegaha gufaystay dagaalkana dameer u soo fuulay ayaa gulufiyo gantaalba soo dhoobay khaliijka, kaas oo anigu markaan qiyaasay aan is idhi, wuxuu weerarayaa maalinta berito ah ee Habeenka khamiistu soo gelayso. Khudbad uu ina Buushe dadkiisa ku sasabanayo ayuu xalayto jeediyay.

Qorshaha dagaalka oo aan ku arkay sarkaal Maraykan ah oo sita waxaa ku sawirnaa laba jiho oo uu Ciraaq ka hujuumayo, isagoo ka baqo qabay Biriijka Nasdaq la yidhaa dalka Turkiga oo la rabay in dagaalka dilaalkiisa la siiyo ayay qaa’imada lagu heshiin waayay madaxweynayaasha iyio dhammaanba wadamada Yurbaan ayaa ka khashaafay dagaal seel-seelli Ciraaq lagu qaado marka laga reebo labada wiil ee Isbayn iyo Ingiriiska ka asqoobay labadaas wiil dadkoodu garan la’ yihiin waxa cunaya ayaa laga baqa qabaa in la sadqeeyo. 

Maraykanka ayaa sheegay Ciraaq in ay ka baxaan baadhayaasha hubka iyo weriyeyaashuba. Waxa kale oo uu Faransiiska ugu hanjabay in ay joojin doonaan buska uu ka iibsado.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalka Ciraaq oo aan u muuqan mid lagu heshiin karayo waxa hubaal ah in aan Maraykanku gafayn haddiiba uu goluhu diido Maraykankuna Ciraaq weeraro, waxay noqonaysaa in ay baaba’aan dhammaan sharciyada dunida oo dhammi, waxaana qumaati u bilaabanaysa dagaalkii saddexaad ee la sheegi jiray. Waxa la isku hirgisi doonaa hubabka halista ah, balaayada wax gumaada, waxaana suurow ah in la sameeyo xuduudo cusub, kuwii horena la baabi’iyo. Afrika oo loogu talogalay dadkeeda inuu idleeyo Aydhisku, baaqiga ka haddhana laga yaabo in la baabi’iyo oo dalalkoodana la soo dego.

Dhegaysteyaal warkii waa iga dhanyahay, imikana gabaygan waxa inoogu luuqaynaya wiiro-wiiro.Dhot. Com, waxayna tidhi:

Gabay
Sida malow shanshadu muruxday oo maro ku duubaaya
Ama mulac digaag meheriyoo, malab la dhuuqaaya.
Subxaayadii aroos maqashay oo soo mashxaradaysa.
Ama diin minxiis looga dhigay maasolugelay.
Mukulaal madbakha xaadhaysa oo marinka sii joogta.
Caasha badhi macdaar haysatoo rubucyo miisaysa.
Duqsi qaad miirooya cunoo maduxu weynaaday.
Jiir macawiis iyo shaadh xidhoo dabada miiqaaya.
Ama jinac magaalada berbera ido ku maalaaya.
Rah masayray shuuqshuuq mirqaan muhindisoonaya.
Orgi mala-awaal soo wadiyo mahadho kaambayn ah.
Dhurwaa musharax loo doortay oo muqumad shiilaaya.
Dacaw maarki tuu iibsadoo muusig gelinaaya.
Qudhaanjooyin maqaaxiyo furtoo mededan qaadaaya.

Top