Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 293 March 24, 2003

Wasiirka Caafimaadka Oo Dib-U-Habeeyay Guddiga Farsamo Ee La Dagaalanka AIDS-Ka

Maalinta Sabtida Ee Berito Iyo Dabaal-Degga Xuska Maalinta Biyaha Adduunka 

Ciidamada Xulafadda Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Xalay Weerarkii Labaad Ku Ekeeyay Dalka Ciraaq

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Xisbiyada Siyaasadda Uga Digay In Ay Ololahooda Dhex Geeyaan Ardayda

Abu-Bakar Maxamed Cali, Yaa Gacanta U Geliyay Mosad Iyo FBI

Jilbo-Dhiig

Hogaamiyeyaasha Xisbiga UCID Oo Khudbado Tartanka Doorashada Ah Ka Jeediyay Kheyriyadda Hargeysa

Ragga Laxaha Sii Dhowrayow Dhaqasho Waa Geel

Xeerarka Doorashada Sideeda Haloo Fuliyo

Dad Hurda Iyo Dawlad Aan Danayneyn

Garta xeer-beegti Iyo xeerarka somalida

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Arday Reer Sheekh Ah Oo Toori Qudha Lagaga Jaray

Waadiga ciyaaraha


Wasiirka Caafimaadka Oo Dib-U-Habeeyay Guddiga Farsamo Ee La Dagaalanka AIDS-Ka

Hargeysa (Haatuf) Wasiirka caafimaadka oo dib u habayn ku sameeyay guddiga farsamo ee la dagaalanka cudurka HIV/AIDS ee heer qaran.

Warsaxaafadeed uu wasiirku Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf soo saaray oo uu arrintan kaga hadlayey waxa uu kaga digay in aan la sameyn karin wax dhaqdhaqaaq ah oo ku saabsan AIDS haddii aan la soo marin guddigan.

Warsaxaafadeedka wasiirku wuxuu u qornaa sidan:

"Iyada oo ay maanta (shalay) shir ku kulmeen guddiga farsamda ee la dagaalanka HIV/AIDS, wasiirku Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf wuxuu soo hordhgiay wareegtada sumadeedu tahay MOHL/254/002/03 ee 17/03/03 taas oo qeexaysa dib u habeynta guddiga.

Sidaa darteed, laga bilaabo taariikhda wareegtada guddiga farsamada ee la dagaalanka aafadda HIV/AIDS-ka ee heer qarana waxay ka kooban yihiin xubnaha soo socda.

Axmed Cabdi Jaamac Agaasimaha guud ee W. Caafimaadksa, Xasan Cumar Hoori Ag. W.Warfaafinta, Amran Cali Xiis Agaasime W. Arimaha qoyska, Axmed Cabdi Bakaal Laanqayrta cas ee Somaliland, Sacda Cabdi Axmed Hay’adda ICD, Xasan Aadan Cali Hay’adda UNICEF, Dr. Cabddalla Ismaa’iil Hay’adda WHO, Kamaal Maxamed Faarax HAVAYOCO, DR. Deeqa Saciid Jaamac Xidhiidhiye.

Sidaa darteed, hadda iyo wixii ka dambeeya wax ka qabadka aafadda HIV/AIDS-ka waxa lagala soo xidhiidhi karaa guddida oo keliya, waxaana reebban ku talaabsiga dhaqdhaqaaqa kasta oo la xidhiidha HIV/AIDS-ka iyada oo aana lala socodsiin guddiga."

Top


Maalinta Sabtida Ee Berito Iyo Dabaal-Degga Xuska Maalinta Biyaha Adduunka 

"Markii Hore waxaanu cabi jirnay biyo wasakh ah, laakiin intii Riigga naloo dayactiray waxaanu cabnaa biyo nadiif ah" Reer Cadaadley, Warbixin 

Hargeysa (Haatuf): Maalinta biyaha adduunka oo sannad-kasta la xuso 22-ka bisha March ayaa berito oo ay bisha March tahay 22 laga xusayaa dunida oo dhan, laakiin marka laga reebo sida gaar-gaarka ah ee dalalka adduunka uu dal waliba gudaha wadankiisa ugu qabto xuska maalinta biyaha adduunka waxa kale oo jirta inay dunidu sannad-kasta samayso xus caalami ah oo ku saabsan maalintaa, hase yeeshee xuska caalamiga ah sannad-kasta waxa loo qorsheeyaa dal ka dunida, sidaa darteed sannadkan waxa lagu qabanayaa dalka Jabaan, halkaas oo ay isugu tegayaan ergooyin ka kala socda 100 dal oo dunida ka mid ahi, waxaana kulankaa ka qayb gelaya, isla markaana khud-bad ka jeediyey xoghayaha guud ee qaramada midoobay, Mr. Kofi Anan, iyadoo ay khud-badda furitaanka shirku ku beegnayd inta u dhexaysa 16-22/3/2003.

Khud-badda furitaanka munaasibadda maalinta xuska biyaha adduunka sannad-kasta waxa loo qaataa hal-kudheg, sidaa darteed sannadkan waxa halkudheg loo qaatay Biyaha mustaqbalka (Water for future). Sidoo kale sannad-kasta hayad ka tirsan hayadaha qaramada midoobay ayaa loo igmadaa ama daadihisa hogaaminta iyo isku dubba-ridka barnaamijka xuska munaasibadda maalinta biyaha adduunka, sidaa darteed sannadkan waxa hogaaminaysa hay’adda la yidhaahdo UNEP (Focal Point), waxayna hayaddaasi dunida u diraysaa fariimo iftiiminaya mustaqbalka biyaha, iyadoo ay culimada ku xeel-dheer cilmiga biyaha farta ku fiiqeen saadaal sheegaysa in sannadka 2025 ay biyuhu noqon doonaan shayga ugu qaalisan baahiyaha dadka, taas oo laga yaabo bay yidhaahdeen in dagaal ka dhaco. Sidaa awgeed fariinta xuska sannadkan la fidinayaa waxay xambaarsan tahay inuu dal-kasta oo dunidka ka mid ahi xil-weyn iska saaro horumarinta iyo kaydinta biyaha.

Sida ay sheegeen saraakiisha biyuhu Somaliland waxay ka mid tahay aduun-weynaha looga dabaal-degayo xuska maalinta biyaha adduunka ee berito loo dabaal-degayo, sidaa darteedna waxa la filayaa in maalinta berito Somaliland si weyn looga xuso munaasibadda maalinta biyaha adduunka ee 22 March.

"Hadii aanu nahay haweenka markii hore intii aan naloo samayn riigga biyaha waxaanu kala kulmi jiray dhibaato badan, iyadoo aanu cabi jiray biyaha wasakh ah, isla markaana aanu meel fog ka soo dhaansano, laakiin hadda waxaanu helay biyo nadiif ah oo ay islaan waliba qol-qolka ka dhaansanayso", sidaa waxa tidhi Deeqa Cismaan Guuleed oo ka tirsan urur haween ah oo ka jira degmada Cadaadley oo jiho magaalada Hargeysa ka xigta koonfur-bari.

Koox weriyayaal ah oo ka kala socda warbaahinta wadaniga ah ayaa Arbacadii doraad booqday degmad Cadaadley, iyadoo ay dhinaca kalena weriyayaasha weheliyeen saraakiil ka kala socday wasaaradda macdanta iyo biyaha dawladda Somaliland iyo hay’adda UNICEF, xafiiskeeda Hargeysa, iyadoo uu weriyayaashaa ka mid ahaa weriye Haatuf ka tirsani.

Dadka reer Cadaadley waxay aad uga mahdadoobeen hay’adda UNICEF oo ay ku tilmaameen hay’adda ugu waxtarka badan marka la eego hawlaha dib-udhiska ee ay hayadaha samafalku ka qabteen degmada Cadaadley, iyadoo ay dadka reer Cadaadley si gaar ha hoosta uga xariiqayaan riig ay biyaha ka cabaan, riigaas oo ay hay’adda UNICEF dayactir ku samaysay, isla markaana ku rakibtay matoor cusub oo biyaha soo saara, iyadoo ay meelmarinta dayactirka riigga biyaha Cadaadley qayb ka qaadatay wasaaradda macdanta iyo biyaha Somaliland. 

Hase yeeshee saraakiisha UNICEF iyo wasaaradda macdanta iyo biyaha ayaa iyaguna dhinacooda ka mahadadoobay bulshada reer Cadaadlay, iyaga oo ku majeertay inay yihiin dad wixii loo qabanayo qaybtooda ka qaatay, isla markaana meelaha loo dayactiray ee uu ceelka biyuhu ka mid yahay ka faa’iidaysta, ilaashadana, halka bay yidhaahdeen degaamo badan oo sida Cadaadley oo kale goobo dan guud ah loo dayactiray ama loo dhisay aanay inyar-na ka faa’iidaysan ee dayac u baaba’een ama hadii ay doonaan ay iyagu dib u bililiqaysteen agabkii dhismaha iyo qalankii adeegga.

Inkasta oo ay magaalada Cadaadley ka muuqdaan raadadkii burburka dagaaladu, hadana dhinaca kale waxa ka muuqda raadad dib-udhis, taas oo ay jiraan dhawr goobood uu muhim u ah oo ay hayadaha samafalka caalamiga ahi u dayactireen ama u dhiseen, sida iskuulo, rug caafimaad, ceelka biyaha iyo xarun loo dhisay ururka haweenka Cadaadley, laakiin dadka reer Cadaadley waxay mar walba si gaar ah hoosta uga xariiqayaan ceelka biyaha, iyadoo uu riiggaasi ku yaal meel magaalada ka yara baxsan, balse waxa jirta dhuun (Qasabad) biyaha ka soo qaadda ceelka, ka dibna ku shubta taangi-biyood magaalada dhexdeeda ku yaal, taangigaas oo magaalada biyaha u qaybiya.

"Hayadda UNICEF waxyaalo badan bay u qabatay magaalada, hadii ay tahay dhinaca biyaha, caafimaadka , waxbarashada iyo waxyaalo kale, taasna waanu uga mahad-naqaynaa"sidaa waxa yidhi Jaamac Caabi oo ka mid ah odayaasha magaalada Cadaadley.

Intii aan loo dayactirin ceelka ay biyaha nadiifta ah ka cabaan ee riigga ah dadka reer Cadaadley waxay ka cabijireen Laaso gaagaaban oo ah kuwa gacanta lagu qoday, kuna yaal doox magaalada mara, sidaa darteed biyaha Laasuhu maadaama aanay biyo nadiif ah ahayn waxay dadka magaaladaasi kala kulmi jireen dhibaatooyin ay ka mid yihiin saxa-xumo mararka qaarkood keeni jiray xanuuno dadka saameeya. "Biyihii intii aan riigga la dayactirin ay dadku cabi jireen ee Laasaha waxay had iyo goor keeni jireen shuban, laakiin hadda intii ay magaaladu heshay biyaha nadiifta ah wax baa iska bedelay"sidaa waxa yidhi Farxaan Aw-Cali C/laahi oo ah Madaxa rug caafimaad oo ay leedahay magaalada Cadaadley. Hase yeeshee inkasta oo ay dadka magaalada Cadaadley gudaheeda ku dhaqani ka mahdadoobeen dhinaca biyaha marka loo eego xiliyadii hore, hadana sedka dhinaca biyuhu ma aha wax jiidaha degmada oo dhami ay wada qabaan ee waxa ay tuuloooyin badan oo degmada Cadaadley ahi ku sugan yihiin xaalad biyo la’aan ah iyo werwer dhinaca biyaha ah. 

"Tuulooyinka ay degmadu xukunto dhibaatada ugu darran ee hadda ka jirtaa waa biyo la’aan"sidaa waxa yidhi maayarka degmada Cadaadley, Maxamuud Cabdi C/laahi, laakiin maayarku isaga oo tafaasiil dheeraad ah ka bixinaya inta ay dhumuc le’eg tahay xaaladda biyo la’aanta ee uu sheegay inay ka jirto tuulooyinka degmadiisa wuxuu yidhi "Tuulooyin badan baa hadda loo biyo dhaamiyaa, gaar ahaan kuwa dhinaca hawdka xiga, iyadoo ay booyado u dhaamiyaan". Sidoo kale waxay maayarka iyo dad kaleba farta ku fiiqeen xaalada abaar iyo biyo la’aan ah oo degaamada miyiga ioy degsiimooyinka tuulooyinka ee degmadaa dul-hadhsanaya, iyadoo uu degaamadaa faro kulul ku hayo jiilaalku, isla markaana ay dadka degaankaa dhibaatada biyo la’aanta u sii dheer tahay baad-xumo haysata dadka xoola-dhaqatada ah, taas oo ay jirto caw la’aani.

Saraakiisha UNICEF iyo kuwa wasaaradda biyuhu waxay bulshada reer Cadaadley ku tilmaameen meelaha sida gaarka ah ugu calaamadsan marka laga hadlayo wax qabadka hayadaha samafalka iyo kaalinta ay bulshadu ka qaadato hawsha dib-udhiska goobaha adeegga guud, iyadoo ay saraakiishu dadka reer Cadaadley ku majeerteen sida ay u ilaashadeen, isla markaana dayaca uga rabeen goobihii danta guud ee loo dayactiray, sida Ceelka biyaha, iskuulka iyo xarunta caafimaad ee magaalada. "Sagaal sannadood ayuu matoorka biyuhu shaqaynayey, welina waxba ma noqon"ayey yidhaahdeen reer Cadaadley, inta uu farsamayaqaanka matoorka biyaha shaqeeyaa selefka ku dhuftay matoorka biyaha. "Bulshada reer Cadaadley waxay ka mid tahay degaamada tusaalaha wanaagsan loo soo qaaddan karo ee goobihii danta guud ee dayactirka loogu sameeyey ilaashada, kana faa’iidaysta"sidaana waxa ku celceliyey saraakiisha UNICEF iyo wasaaradda biyaha, iyadoo ay saraakiishu sheegeen inay maalinta xuska ee 22-ka March oo ah maalinta loo dabaal-degayo maalinta biyaha adduunka ay arimaha caynkaas oo kale ah ay noqon doonaan tusaaleyaal ay xusaan, laakiin cadadkayaga dambe la soco warbixin ku saabsan xaaladda guud ee degmada Cadaadley.

Top


Ciidamada Xulafadda Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Xalay Weerarkii Labaad Ku Ekeeyay Dalka Ciraaq 

Ciidamada Xulafadda ee Dhulka oo Dhinaca u Ruqaansaday iyo Wararkii u Dambeeyay ee Weerrada Cusub

Baqdaad (W.Wararka) - Caweysinkii dambe ee xalay ayay mar labaad ciidamada xulafada Maraykanka iyo Ingiriisku weerar ku ekeeyeen caasimadda dalka Ciraaq, iyagoo ku garaacay gantaalaha Kuruuska loo yaqaan oo ka dhacaya maraakiibta dagaalka Badda Khaliijka taagan iyo Bambooyin ka dhacaya Diyaaradaha dagaalka ee Ciraaq, waxaanay ciidamada xulafadu habeenkii xalay magaalada Baqdaad iyo meelo kale ku tuureen ilaa 300 oo gantaal.

Weerarkan oo markii ugu horraysay bilaabmay saqdii dhexe ee habeen hore, kadib markii uu Madaxweyne Bush bixiyay amarka dagaalka Ciraaq oo uu siiyay ciidamadiisa Khaliijka fadhiya, markaasoo ooda lagaga qaaday guud ahaanba magaalooyinka Ciraaq oo ay ka mid tahay caasimadda Baqdaad, gantaalo iyo sawaariikhda riddada dheer, kuwaasoo geystay khasaare aan ilaa iyo hadda tafaasiishiisa la ogayn, balse wararka ugu horreeyaa waxay sheegayaan in ilaa iyo hadda uu hal qof oo rayid ahi ku dhintay magaalada Baqdaad ilaa 16 kalena ay ku dhaawacmeen.

Telefishanka Ciraaq ayaa isaguna soo bandhigay guryo dumay iyo goobo badan oo uu khasaare gaadhay oo uu ku tilmaamay inay yihiin goobaha rayidka ah ee lala beegsaday gantaalaha iyo sawaariikhda.

Weerarka xalay la qaaday oo uu ka hadlay Wasiirka difaaca ee Maraykanka, Donald Rumsfield, ayaa ugu baaqay ciidamada Ciraaq inaanay dagaalamin ee ay si deg-deg ah isku dhiibaan, isagoo ku booriyay mas’uuliyiinta Ciraaq inaanay u babac-dhigi karayn weerarka lagu hayo.

Dhinaca kale, waxay wararku sheegayaan in ciidamada Ciraaq ay sutida u hayaan weerarka xulafada, waxaana la sheegay in gantaalo laga soo riday dhinaca Ciraaq ay ku dhaceen agagaarka saldhigyada ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin dalka Kuweyt, balse lama sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen.

Dhinaca kale, waxa soo baxaya cambaarayn ballaadhan oo kasoo yeedhaysa dhinaca Madaxda iyo hoggaamiyeyaasha Caalamka iyo xataa dadweynaha dunida, iyagoo ku tilmaamay badankoodu weerarka lagu qaaday Ciraaq mid aan sharciyada Caalamka waafaqsanayn oo meel-ka-dhac ku ah xuquuqda ay leeyihiin dalalka xorta ah ee caalamku, iyagoo dawladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ku eedeeyay inay qaadeen tallaabo miletari oo baal-marsan qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana dhinac ka dhaafay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo G/Ammaanka.

Weerarkan, inkasta oo aan ilaa hadda khasaaraha uu geystay faah-faahin ballaadhan laga bixin, haddana warar aan aad u shaac-bixin ayaa tibaaxaya in ay ciidamada Ciraaq jawaab ka bixiyeen weerarka duqaynta ah ee ciidamada xulafada Maraykanka iyo Ingiriiska. Hase yeeshee, waxa ay Madaxda Maraykanku sheegayaan inay qaadi doonaan weeraro intaa kasii culus.

Hoggaamiyaha Ciraaq, Sadaam Xuseen ayaa isaguna dadkiisa iyo ciidamadiisaba ugu baaqay inay dalkooda difaacaan, una diyaar-garoobaan dagaal adag oo ay kala hortagaan waxa uu ku tilmaamay gardarada Sahyuuniyada, isla markaana Sadaam Xuseen waxa uu ciidamadiisa u qaybiyay fadhiisimo kala duduwan oo ku aadan aagaga dagaalka, iyadoo la sheegay in ciidamada Ciraaq aad u qalabaysan yihiin.

Magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq iyo meelo kaleba waxa la sheegay in weerarkii u horreeyay lagu ganay ilaa 40 gantaalaha Kuruuska ah oo laga tuuray maraakiibta badda taagan iyo gantaalo kale oo laga soo riday Diyaaradaha dagaalka ee hawada Ciraaq ku sugan. Hase yeeshee, ilaa hadda lama sheegijn khasaare u dhigma baaxadda hubkaasi leeyahay iyo meelaha uu hubkaa laxaadka lihi qabsaday.

Ciidamada Maraykanka oo taliskoodu yahay dalka Kuwayt, waxa ciidamada iyo shacbiga Kuweyt-ba soo food-saaray xaalad baqdin leh, kadib markii ay ciidamada Ciraaq Saddex gantaalaha Scott-ka loo yaqaan ka mid ah ku rideen dalka Kuweit.

Weerarka cusub ee ay xalay cawaysinkii qaadeen ciidamada xulafada Maraykanka iyo Ingiriisku, kasokow duqaynta dhinaca cirka iyo maraakiibta ah waxa xalay saqbadhkii bilaabmay weerar dhinaca dhulka ah, iyadoo la arkayay ciidamo hub culus ku gaashaaman oo usii gurguuranaya dhinaca dalka Ciraaq, kuwaas oo la rumaysan yahay in ay doonayaan inay galaan gudaha dalka Ciraaq, laakiin dhinaca kalena ciidamada Ciraaq ee dhulka ayaa la sheegay in difaac adag ku jiraan.

Top


Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Xisbiyada Siyaasadda Uga Digay In Ay Ololahooda Dhex Geeyaan Ardayda

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Waxbarashada ee Jamhuuriyada Somaliland Cismaan Xasan Mire ayaa uga digay axsaabta siyaasiga ah inay ololahooda tartanka doorashada madaxtinimada dhex geliyaan ardayda dugsiyada si ay ugu adeegsadaan tartanka ay ku jiraan.

War saxaafadeed uu wasiirku arrintan kasoo saaray waxa uu ku eedeeyay xisbiyada qaarkood inay faragelin ku sameeyeen dugsiyada qaarkood, gaar ahaana kuwa sare.

Ma cadda cidda uu wasiirku ula jeedo arrintan, manuu caddayn kuwa ay yihiin axsaabtaasi, balse waxa ay kusoo beegantay iyadoo uu maalintii shalay musharaxa xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe uu fagaaraha khayriyada ka cadeeyay in loo diiday mar uu dhawaan isku dayay inuu booqdo dugsiyada sare ee dalka, si uu xaaladooda u ogaado, isagoo sheegay inaanay taasi ka horjoogsanayn inuu booqdo dugsiyada dalka.

War-saxaafadeedka uu soo saaray wasiirka waxbarashadu waxa uu u qornaa sidan:

"Anagoo tixraacayna xaaladda maanta lagu jiro, iyadoo doorashadii Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku foodda inagu soo hayso, waxa nasoo gaadhaya in faragelin siyaasi ah oo lagu hayo dugsiyada ardaydu wax ku barato, gaar ahaan dugsiyada sare.

Wasaaradda waxbarashadu waxay uga codsanaysaa dhammaan xisbiyada siyaasiga ah inay faraha kala baxaan ardayda iyo macallimiinta oo aanu jecelnahay inaan wax siyaasad ahi dhexgelin. Annagoo uga jeedna in aanay marnaba ardaydu isku kala qaybin xisbiyo, kaddibna aanay ka iman iska hor-imaad dhexmara.

War-saxaafadeedkan waxa nagu kellifay annagoo soo taabanay in xisbiyada qaar ay ololahooda siyaasadeed kaga hawlgaleen dugsiyada sare ee magaalada qaarkood.

Wasaaradda waxbarashadu waxay hambalyaynaysaa tartanka xalaasha ah ee ka dhaxeeya xisbiyada dalka si ay u dooran karaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo si fiican u dhaca."

Top


Abu-Bakar Maxamed Cali, Yaa Gacanta U Geliyay Mosad Iyo FBI

Muqdisho (Haatuf): Nin dhalashadiisu ay tahay Yemeni oo magaciisa la yidhaahdo Abibakar Maxamed Cali ayaa maalintii Salaasadii laga qafaashay cisbitaal ku yaal xaafadda Kaaraan ee magaalada Muqdisho, kadibna waxa diyaarad ka kacday garoonka cisalay loo saaray dhinaca Nayroobi, halkaas oo uu kaga horyimi wasiirka dawladda Kenya u qaabilsan nabad-sugida gudaha, Mr. Chris Murungaru.

Wasiirku wuxuu isagoo qabashada ninkaas ka hadlaya yidhi, "Ninka waxa la tuhunsan yahay inuu lug ku lahaa qaraxyadii ka dhacay magaalooyinka Nayroobi iyo Dara-salam sannadkii 1998-kii iyo qaraxii bishii November ee sannadkii hore lala beegsaday Hotel ku yaala magaalada Mombasa, waxaana lagu soo qabtay hawlgal ay iska kaashadeen Dawladda Kenya iyo hoggaamiyeyaal Soomaaliyeed oo ka soo horjeeda argagixisada."

Inkastoo wasiirku wax tafaasiil oo dheeraad ah aanu ka bixin arrintan, haddana sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP, waxa la aaminsan yahay in Abi-bakar qabashadiisa ay ku lug lahaayeen hay’adaha MOOSAAD iyo FBI ee arrimaha sirdoonka u qaabilsan Israel iyo Maraykanka, iyadoo la sheegay in iskaashi dhexmaray labadaasi hay’adood iyo hoggaamiye kooxeedka magaciisa la yidhaahdo Maxamed Dheere, waxaanu warku intaa ku daray in ninkaas maalintii Isniintii dhaawac ka soo gaadhay isku day koox hubaysani ku doonaysay inay ku af-duubto, kadibna la dhigay cisbitaal ku yaala waqooyiga. 

Hase yeeshee, warar kasoo baxay ilo lagu kalsoon yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in afar nin oo cadaan ah oo ka kala socda MOOSAAD iyo FBI-da ay koox dablay ahi ku wareejiyeen Abibakar Maxamed, maalintii salaasadii, sidaana loogu gudbiyay dhinaca Nayroobi.

Warar dheeraada oo arrintan ku saabsan ayaa iyaguna sheegay in ninka la qabtay uu goob ganacsi ku lahaa magaalada Muqdisho oo magaceeda la yidhaahdo Al-Saabbiriya Electronics.
Isagoo dalka kasoo galay dhinaca xadka Kenya dhawr sannadood kahor.

Wararkaasi waxa ay intaa ku dareen in ninkaa la qabtay uu sitay laba baasaboor oo kasoo kala baxay South Africa iyo Yemen, waxaanu Muqdisho ku guursaday gabadh Soomaaliyeed oo hadda ku sugan magaalada Nayroobi, iyadoo la aaminsan yahay in sirdoonka Maraykanka iyo Israel ay gabadhan wax ka weydiiyeen ninkeeda qaraxii lala beegsaday Hotel ay leedahay shirkad Israel ah oo ku yaal magaalada xeebta ku taala ee Mombasa, dabayaaqadii sannadkii hore.

Top


Tallooyin Ku Socda Golaha Deegaanka Hargeysa

Q: 2aad

Farmasiiyadda qaar badan oo ka mid ahi waxay iibiyaan dawooyin dhacay qaarkood, bakhaaradda cuntada lagu iibiyana qaar baa iibiya cuntooyin dhacay, waa in si joogto ah loo eegaa waxay iibinayaan, ciddii lagu helana ganaax culus la saaraa, wixii expire ah ee wakhtigoodu dhacay ee la helana waa in la guba markiiba.

  1. Suuqa magaalada Hargeysa wuxuu doonayaa in si waafi ah loo kala habeeyo oo wixii isku meherad ahba meel u gaar ah la isugu geeyo, miisaska iyo kaaryoonayaasha wadooyinka xidhayna laga fogeeyo jidadka.

  2. Istaamada gaadiidka sida basaska iyo tagaasida waa in la nidaamiyaa oo masalan tagaasida aan calaamadda tagsiga lahayn ee istaanaada la soo dhigo calaamadda tagsi lagu amraa in ay ku dhejiyaan, waxa kale oo dadweynaha safarka ah haysta dhibaato badan sida kuwa Gebiley iyo Berbera u baxaya sababtoo ah waxa dhacda oo ilaa imika socota inta shan tagsi la is barbar dhigo in mid walba uu qof ama laba saaro oo la isla wada xanibnaado, maantoo dhana sidaa lagu jiro halkay ka samaysan lahaayeen kuyuu iyo farsad oo gaadhi waliba uu dhakhso u bixi lahaa dadkuna aanu ku dhibaatoodeen.

  3. Sidaa daraadeed waa in dawladda hoose ee ay shaqaale iyo boolis dhigaan istaamadda si nidaam farsadeed loogu sameeyo oo dhibaatadan looga baxo. Guddiga basaskana waxa jira meelo aan basasba ka shaqayn oo ah xaafadaha magaalada ka mid ah iyo jidad aanay marin basasku, waxaanay arrimahaas oo bulsho waa in wax laga qabtaa si dadweynaha loogu daneeyo oo loo ilaaliyo.

  4. Degmada Gacan Libaax xarunteeda waa qol yar oo dunsan oo ka mid ah tiyaatarkkii Hargeysa ee dumay oo aad u foolxun waxaan idinkula talin lahaa waa in si deg deg ah aad ugu dhistaan xarun cusub oo aad ka dhigtaan jagada idiin banaan ee ahaan jirtay nabad sugida Deg/Hargeysa dhinaca woqooyi kaga soo jeeda xabaalaha tiyaatarka.

  5. Degmada 26 june xarunteedu waa kheyriyada Hargeysa dhulkay degmadaasi xukuntaana 95% dhinaca woqooyi ayuu ka xigaa dhul ahaan halkay degmadu imika tahay, markaa waa in aad u rartaan xarunta degmada 26 june banaanka dhinaca woqooyi ka xiga Raadyow Hargeysa oo ah dan guud waa in aad halkaas uga dhistaan degmada 26 June xafiisyo cusub.

  6. Taagsida u baxda gobolada bari siiba Laas-caanood iyo wixii bari ka xiga waxay istaan ka dhigteen oo ay dhibaato badan ku hayaan deyrka iskuulka Sh/Bashiir iyo Caalami Kafeteeriya waa in si deg deg ah looga raraa oo la geeyaa xabaalaha tiyaatarka.

  7. Saylada xoolaha ee Hargeysa oo dhul ballaadhan ku fadhida maamuladii idinka horreeyay midna kumuu fikirin in dayr loo sameeyo sidaas daraadeed waxaan idinkula talinayaa dhulka ay sayladdu ku fadhido in si deg deg ah deyr wayn aad ugu soo wareejisaan iyadoo la samaynayo afar albaab oo waaweyn iyo berandayaal waaweyn oo hadh ah oo xoolaha lagu hoos iibiyo.

  8. Kheyriyada Hargeysa oo ku taalla magaalada badhtankeedii maalinta laga hadlayana dhibaato badani ka soo gaadho dadweynaha iyo gaadiidkaba waa in loo raraa beerta xorriyada ee deyrka dhagaxa ah leh dadka danyarta ah ee dhex degan halkaasna waa in loo raraa koonayaasha magaaladda. Dadka danyarta ah ee iyaguna deggey dhulkii State house ka Hargeysa waa in iyagana loo raraa xaafadaha koonayaasha magaaladda, dhulka state house-ku ku uu leeyahayna waa in aad deyr wayn ku soo wareejisaan.

  9. Waaxyaha ay ka koobantahay dawladda hoose ee Hargeysa kuwii ay shaqadoodu isku dhawdahay waa in aad isku dartaan, waaxda caafimaadka iyo arrimaha bulshada oo aad muhiim u ahna waa in aad xoojisaan.

  10. jidadka magaaladda Hargeysa ilaa maanta mid qudha oo magac lihi ma jiro, waa in jidadka waaweyn ee magaalada loo bixiyaa magacyo sida halgamayaashii dalka ee kala duwanaa iyo maalmaha taariikhiga ah ee dalka sida (20 February dhagax tuurkii Hargeysa) iyo maalmaha kale ee taariikhiga ah, xaafadaha kale ee magaalada Hargeysa iyaguna qaar ayaan lahayn magacyo ku haboon sida waraabe Salaan, iyo ganad iyo qaar kale oo la mid ah, markaa waa in iyagana magacyo ku haboon loo bixiyaa.

  11. Waa in olole baabi’in ah aad ku qaadaan sandaqadaha iyo buulasha shaahleyda ee sida qaab-darrida ah magaalada u dhex daadsan iwm.

  12. Hantida ma guurtada ah ee D/Hoose ee Hargeysa ay leedahay aad ayay u fara badan tahay, hantidaasna in badan oo ka mid ahi gacanta uguma jiraan dawladda hoose, sida (seked bacadle ahayd) oo dhinaca koonfureed ka xigta xero hadhuudha oo dad shicib ahi markii dalka lagu soo laabtay ay dhisme ahaan dhalan rog ku sameeyeen, bakhaaradda Inji la yidhaahdo, oo dhan waa in ay la soo wareegto D/Hoose, iyagoo qaarkood dad kale gacanta u gallay, labada sekadood ee dhinaca koonfureed ka xiga bakhaarka Oomaar u kireysan ee jeelka ku soo jeeda iyagana waa in dadka ku jira laga saaraa oo laga dhigaa bacadlayaal D/Hoose kireysato, sida kuwa Waaheen iyo Gobonimo oo kale.

  13. Bacadlayaasha dhisan sida Waaheen iyo Gobonimo waa in maamulkoodu gacanta idiin soo galaa, bil walbana waa kirada si joogto ah looga qaadaa.

  14. Guriga Xisbiga ee qabyada ah oo markii loogu talo gallay in xafiisyo laga dhigo, suurto gal maaha imika in xafiisyo ay noqdaan maadaama uu dhan walba suuq ka xigo, markaa waa in aad xukuumadda weydiisataan si aad u hagaajisaan wixii ka dhiman marka dambena aad uga kireysaan baayacmushtariga.

  15. Fooqa la yidhaahdo jajabka oo foolxumo weyni ka muuqato waxan idin kula talin lahaa maadaama aanu suuq habboon noqon karin in aad ka iibisaan baayacmushtariga lacagta aad ka heshaana aad ku iibsataan cagafyo, basas shaqaalaha lagu guro iyo wixii kale ee muhiim ah.

  16. Waa in aad tiro koob guud ku samaysanaa shanta degmo ee magaalada Hargeysa, dhismayaasha dhagaxa ah iyo wixii jiingado ahba si aad u ogaataan oo ay idiinku fududaato cashuuraha guristoodu.

  17. Kaalinta shidaalka ee D/Hoose iyo baarka ku dhegan waxa loo dhisay in ay D/hoose ku shaqaysato, laakiinmarkii uu Cawl maayarka ahaa arrintaas si xun ayuu u maamulay, isaga iyo niman kale oo shicib ah ayaana ku shuraakoobay oo ku shaqaysta ilaa imika hadaba waxaad baadhis ku samaysaan arrintaas, kaalintana waa in ay D/Hoose si toos ah ugu shaqaysataan kaalinta waa in gaadiidkiinu shidaalka ka qaataa, idinkoo shidaalka toos uga soo iibsada haamaha Berbera, booyad shidaalka idiin soo qaadana iibsada, si kharashka shidaalku idiinka yaraado.

  18. Isbeer baadha gaadiidkiinu isticmaalayo waa in aad u samaysaan istoodh idiinku dheg yaala geeshka gaadiidka.

  19. Bacaha yar yar ee balastiga ah ee bilicdii magaalada foolxumada weyn u geystay meel walbana yaalla waa in aad ku qaadaan olole balaadhan oo lacagna lagu siiyaa dadka danyarta ah ka dibna loo farsameeyo (Dacsadaha dhulka la dhigo iyo boorsooyinka dumarka iwm).

  20. Jidadka magaaladda dhinacyadooda waa in lagu sameeyaa dhireyn waana inlaga soo bilaabo jidka eeriboodhka ka yimaada, kuwa kalena lagu xigsiiyaa, jidadka labada haad ahna waa in dhexdooda dhir lagu beeraa.

  21. Jidadka magaalada intooda badani ma laha laydhka habeenimo ee (Security lights), arrintaas waa in aad samaysaan idinkoo la kaashanaya wershadaha xoogga korontadda.

  22. Magaaladda Hargeysa ee intaa le’egi ma laha haddii meeli gubato baabuur dab-demis, arrintaas dawlad iyo shicib weynu ku ceebaysanahay waana shaqadii dawladda, waxaan idinkula talinayaa in aad mustaqbalka dhaw in ugu yaraan la soo iibiyo laba gaadhi oo dab-demis ah oo tayadoodu fiican tahay, idinkoo kaashanaya arrintaas dawladda dhexe iyo hay’adaha ajanabiga ah maadaama ay ku kacayaan qiimo badan.

  23. Kaalmaha shidaalka lagu iibiyo ee magaaladda Hargeysa intooda badani malaha haamaha dab-demiska, meelaha dab ka kici karana iyagana ugu horeeya waa in aad soo kormeertaan, oo aad ku amartaan in ay kaalin waliba yeelato ugu yaraan afar haamood oo dab-demis, waana in aad hubisaan in ay kaalin waliba leedahay.

  24. Gaadiidka dawladda hoose waa in aad dhamaantii ku buufisaan rinji isku mid ah waana inaad calaamadda D/Hoose dhinaca kaga dhejisaan gaadiidka gaboobay (Dugoobay) waa in aad dhamaantii xaraashtaan.

  25. Xarunta Deg Ibraahim Koodbuur waa in deyr ku soo wareejisaan maadaama uu iskuulka Axmed Dhagax u jiro dhawr talaabo.

  26. Istaanka basaska Dumbuluq oo imika STC-da horteeda dadkii iyo gaadiidkii kale midna ma amri karo meeshaasi dhibaato badan ayaana ka haysta, sidaa darteed waa in aad basaskaas u rartaan oo aad istaan uga dhigtaan dhinaca woqooyi ee huteelka Mahdi Buubaa ilaa iyo inta u dhaxaysa wajahada Bacadlaha Waaheen ee woqooyi.

  27. Wadhatada suuqa Shiraacle oo cidhiidhi badan waa in aad ka fekertaan meeshii aad u rari lahaydeen.

  28. Ceelasha dooxa ee biyaha laga dhaamiyo, maadaama dooxa la dhigo xashiish aad u badan, dadweynahana ay dhibaato ku yihiin biyahaasi caafimaadlkoodu marka biyo cidhiidhi dhacana laga soo dhaamiyo, waa in arrintaas laga fekeraa waxna laga qabtaa.\

  29. Waa in aad direys u samaysaan waaxda cashuuraha ee D/Hoose ee Hargeysa si loogu aqoonsado.

  30. Golaheena Deegaanka ee dhawaan la soo doortay dadweynuhu si adag ayuu idiin la xisaabtamayaa, khilaaf gudihiina ah iyo wax kala jiidashana dadweynuhu ma maqli karo, arrinkiinu waa in uu mar walba noqdaa wada tashi joogto ah.

  31. Boodhadhka sigaarka lagu xayaysiiyo ee waddada badhtamaha magaalada meel walba laga taagay waa in dadka ganacsatada ah ee leh aad ogeysiisaan in ay furaan, sababtoo ah lama arag caalamka wax sunta sigaarka xayaysiiya oo meel walba sudha ama ka taagga.

  32. Alla ha idinku asturo hawshaas balaadhan.

Ismaaciil C/Raxmaan Cumar Xaashi
Hargeysa

Top


Jilbo-Dhiig

Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale : 9aad 

Ku leeyahay gacaliso nabsi weel xun haw dhigan ee il-naxariis leh igu eeg" intaa ka dibna intuu gal qurux badan oo ay dusha kaga sawirantahay caleen ubax iyo calaamadda wadnaha ee ay jiilalka qarniyada dambe astaanka uga dhigeen jacaylka ayuu ugu dhiibay mid ka mid ah saaxiibadii ka dibna farta ayaa laga saaray, laakiin Xayaad inkasta oo ay ka heshay qoraalka quruxda badan iyo weedhaha xulka ah ee waraaqda ku xardhan, haddana kama ay suurta galin inay soo debecdo iyo xataa inay wax jawaab ah ka soo celiso waraaqdaa, qalbiga ayeyna ka jaxaasatay.

Xayaad intaa lagagama hadhin ee ergada ayaa lagu badiyey, laakiin cid walba nagta ayey u xarfisay (diiday). Waxay hal-hays ka dhigay "Oo maan is-gawraco markaan wiilkan yar ee senti iyo gambo haysan xilo moodayo."

Biixi naf iyo maal-ba waxa u noqday sawirkii Xayaad oo uu dhabta ku hayo, laakiin wuxuu joogaa goobtaal -madow, waayo iskuulkii ka saaqid, tacabkii iyo wax dhaqashadii uu ku hawlanaan jiray ka tasaw, gabadhii uu u saahidayna quus buu ka joogaa. Hase yeeshee Biixi aakhirkii wuxuu isku qanciyey inay Xayaad ku nacday fara-madhnaanta, balse haddii uu haddii uu adduun hayo, ay u soo joogsan lahayd, sidaa darteed wuxuu ku hamiyey inuu dib tacab-galo, wuxuuse isweydiiyey sidii uu u heli lahaa waxoogaa faro-qabsi ah oo uu meel xayndaabka dhaqdhaqaaqa ganacsiga kaga soo galo magaalada Muqdisho ee joogo ehel dhawi uma joogo, sidaa darteed waxay talo kaga ururtay inuu xaggaa iyo reerkoodii miyiga u baqoolo, isaga oo is-tusay inuu odaygii iyo islaantii u tago oo uu inta uu runta iyo been-ba isugu darr ku yidhaahdo "Aabe iyo Hooyo hawlo ayaan qabsanayaaye xoolaha wax iiga xaraash."

Ka dibna sidaa ayuu ku dhaqaaqay, isaga oo reerka ka maqnaa sanaddo door ah, nasiib wanaag Biixi wuxuu dhulkii miyiga tagey xili ay roobab ma hiigaan ahi maansheeyeen oo barwaaqo ah oo ay xoolaha iyo dadkuba nimco la jiifaan, taasina waxay Biixi gelisay waxoogaa yididiilo ah.

Biixi tuuladdii u horeysay ee uu baabuurka kaga degay ayuu galabtii dambe ka caraabay, ka dib-na markii uu gaadhay jiidii uu reerku deganaa ama degi jiray ayuu markiiba suuradiyay ama gartay sabbooyinkii uu yaraantiisii maqasha ku raaci jiray, waxaana maskaxdkiisa ku soo dhacay xusuustii dhaqanka miyiga iyo noloshiisii waayo-waayo.

La Soco...

Top


Hogaamiyeyaasha Xisbiga UCID Oo Khudbado Tartanka Doorashada Ah Ka Jeediyay Kheyriyadda Hargeysa

"Labada Xisbi Ee Kale Waxaanu U Aragnaa Dawladdii Marxuum Cigaal Oo Kala Jabtay"
Faysal Cali Waraabe, Musharaxa Madaxweynaha ee UCID

Hargeysa (Haatuf) xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID ayaa maalintii shalay ku qabtay fagaaraha kheyriyada ee Hargeysa isu soo bax balaadhan oo ka mid ah ololaha uu xisbigaasi ugu jiro u diyaar garawga tartanka doorashada madaxtinimada dalka oo lagu wado inay bisha April ee fooda inagu soo haysa dalka ka dhacdo.

Isu soo baxani waxa dadweynaha khudbad balaadhan uga jeediyay dadweynaha musharaxa jagada madaxtinimada dalka ee xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo si faah faahsan uga waramay barnaamijkiisa iyo waxa u qorshaysan inuu qabto haddii loo doorto jagada madaxtinimada, waxa kale oo uu ka hadlay arrimo kale oo ku saabsan guud ahaanba xaaladda uu dalku marayo, iyo xaaladda ka taagan geeska Afrika ugu horeynse waxa uu Faysal Cali Waraabe ka waramay xaaladda ka dhalatay weerarka uu maraykanku ku qaaday Ciraaq "Aad baanu uga xunahay weerarka lagu qaaday dadka reer Ciraaq, dad islaam ah baynu nahay, islaamkuna waa jidh kaliya Ilaahay waxaanu ka baryaynaa inuu dadka reer Ciraaq biyo uga dhigo hubka ay gaaladu wadato" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, isaga oo intaa ku daray in ay arrintani muujinayso marmarsiiyaha loo samaynayo dadka muslimiinta ah iyo inay madaxda xumi u soo jiidi karto shacbigeeda dhibaato iyo weerar lagu soo qaado.

Ka dib waxa uu ka hadlay arrinta Axsaabta iyo doorashooyinka "Waxaad dhawaanahan maqlayseen ururadii hadhay oo ku kala biiray axsaabta balse maydaan maqlin UCID cidbaa ku biirtay, shacbigii ururadaasi badankoodu anagay na raacsan yihiin, laakiin siyaasiyiintii baxay raaceen halkii ay isyidhaahdeen kursigaa ka dhaw oo labada xisbi ee kale ayey raaceen, shacbiweynihii mustaqbalka doonayeyna anagay na soo raaceen" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, isaga oo ka hadlaya marxaladda ay Somaliland marayso waxa u yidhi "Somaliland maanta meel fiican bay maraysaa oo caalamka oo dhan waa laga ogyahay waxaana ugu weyn nabada iyo dastuurka ay inuu samayeen Guurtida iyo xukuumaddii marxuum M. Cigaal Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee, waxaa ku xigay aftidii dastuurka, waxaa isku fuuqsaday doorashadii golayaasha deegaanka" isagoo intaa ku daray inay taasi ka soo baxeen saddex xisbi oo maanta tartamaya, iyadoo ka guulaystay mooyee labada kale ay gaadhka hayn doonaan ka dib waxa uu Faysal kahadlay barnaamijka xisbiga UCID ee doorashada, "Waxa ugu horeeya inaanu hagaajin malcaamadaha qur’aanka oo aanu doonayno inaanu u dhisno goobo qurux badan oo lagu barto qur’aanka iyo inay qur’aanka xafidaan ardaydu dugsiyadii si ay inoogu soo baxaan dad diin leh oo la aamini karo" ayuu yidhi isaga oo intaa ku daray inay sidoo kale ahmiyad siinayaan caafimaadka waxbarashada, dhaqaalaha, biyaha, deegaanka, xanaanada xoolaha, kaluunka wadooyinka iyo in dadka wax loogu qabto cashuurta ay bixiyaan.

Faysal waxa kale oo uu ka waramay siyaasadda dibada "Haddii aanu anagu soo baxno waxaanu marka hore hagaajinaynaa xidhiidhka aynu leenahay dalalka Jaarka gaar ahaana Itoobiya, anigu waxaan ugu hor booqanayaa Itoobiya ee Jabuuti tagi maayo, waayo waxay inagu sameeyeen inanka aan xaafad Muqdisho ah ka talin ee ay BBC-da wakhtiga badan siiso ee ay madaxweynaha ku sheegto, waa C/Qaasim iyo kooxdiisa Carta," ayuu yidhi Faysal, isaga oo intaa ku daray in haddii dalkeena aynu midayno aynu caalamka ka iibinayno ictiraafkeena "Sool iyo Sanaag ma maqna e niman baa haysta oo sababay inay gobolka Sool ka reebaan dalka intiisa kale, anagu caqli baanu ku midaynaynaa dalka ee xoogu ku midayn mayno" ayuu yidhi Faysal, isaga oo ka hadlaya saddexda xisbi ee tartamaya waxa uu yidhi "Saddex musharax baanu nahay waa in aad naqaysataan oo aad taariikhdayada baadhaan anagu tiiyoo aanay cidina diran ayaanu ka soo shaqaynay nabadii dalka nagumana jiro qof dadka eed ka galay haddii aanu guulaysano umadaanu wax u qabanaynaa sida agoomaha, dadka baahan xataa bisada ayuu xil naga saaran yahay" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, isagoosi gaar ah uga hadlaya labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE waxa uu yidhi Faysal "Labada xisbi ee kale waxaanu u aragnaa anagu dawladdii marxuum Cigaal oo kala jabtay, halkana waxa jooga madaxweyne ku xigeenkiisii halkana waa wasiirkiisii maaliyadda iyo madaxweyne ku xigeenkiisii hore, laakiin anagu waxaanu nahay dad cusub oo isbedel doonaya" ayuu yidhi Faysal isaga oo ugu dambayn dadka ka codsaday inay shanta sano ee soo socda u kala doortaan axsaabta sida ay dantoodu ku jirto oo ay ka fiirsadaan cida ay codkooda siinayaan.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga UCID oo uu ka mid yahay musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbigaasi.

Top


Ragga Laxaha Sii Dhowrayow Dhaqasho Waa Geel

Ninbaa laga hayaa (( Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geel)) oon uga socdo ninkii beel ku kalsoonaayoow kaalay nagula walaalow Xisbiyada xisbiyadaa dhaqmaya maantee.
Sawirkani waa Somaliland iyo jawiga dimuqraadiyeed ee maanta sida umada isbadalka u jecel uga miisaan badanyihiin kuwan beel beel nimada jecel waxaana la doonayaa in aad u hiilisaan kafadan hiilka u baahan kii horumar rabaa ka yimaado kafada beelaha kii aamusnaana ku soo biiro kafadaha Xisbiyada.

inaga oo wali la kacaa kufayna hanaankankii beelnimo ee ay ku soo hanaqaaday Jamhuuriyadan dadaalka badan ee wakhtiyada adag soo martay, muddo dheer baa laga joogaa ka dib markii la soo celiyay Somlailand mudadan oo kor u dhaafaysa 12 sanno ayaa markii ugu horaysay ee loo badheedho talaabo culus oo horumarkeeda leh isla markaana yeelankarta culays aad u farabadan, waxay ahayd wakhti laga joogo muddo ku dhaw labo sanno ka dib markii la hirgaliyay dastuur iyo nidaam loo dajiyay Jamhuuriyadda Somaliland, Dastuurkan xalaasha ahi wuxuu xukunka gacanta u galinayaa shacabka isla markaana wuxuu durkinayaa kaligii taliye oo dhan runtii in badan baa loo oomanaa Dastuur ay umaddu ku kalsoontahay waayo muddo dheer baa laga joogaa Somaliland ka dib markii gumaytuhu ka kacay hase ahaatee waxaan odhan karaa waxay ka hoosaysay muddo ah 30sanno bartii guumaystuhu kaga kacay. oo mararka qaarkood aad is odhan karto 30sanno taariikhda dib ma uga jartaan hadana waxaad xasuusan kartaa dadaalka ay ku jirtay Somaliland in ay dib u soo celiso madaxbanaanida Dalkeeda iyo Dadkeedaba, taas oo ku tusinaysa tayada dadka Somaliland oo maantana gaadhsiin kara Somaliland meeshay higsanayso.

wakhtiyada is riixaya ayaa keenay in maantana laga gudbo marxalad beelnimo isla markaana loo gudbo marxalad dimuqraadinimo runtii anigu waxaan ku tilmaami karaa in maanta loo gudbayo iftiin waayo shalay shirkii boorame (1993) codkaaga waxaa maamulayay oday kaliya isla markaana u talinaya adiga iyo qayrkaaba kuna hadlayay afka beeshaada maamulakaasi beelaha ku dhisnaa waa mid aanu u mahadcelinayno intii uu maamulayay dalka laakiin maanta waa laga gudbayaa oo maanta adaa maamusha codkaaga una madaxbanaan duruufuhu ha dhinacsocdaane, taas markaan leeyahay kuma koobayo wajiga siyaasadeed oo kaliya laakiin waxaan tilmaamayaa in aad adigu (Shicib) aad awooda leedahay laguna cabudhin karayn isla markaana aad leedahay Dastuur hadaad si xalaala ugu hiiliso ku difaaci doona xuquuqdaadana ilaalindoona taasi hadii la helo waxa loo gudbaa waa xaaladaha barbar socda ee ay ka midka yihiin dhaqaalaha iyo sidii bal dalkan ay usoo hiigsan lahaayeen Shirkadaha kala duwan ee aduunka ka jira taasoo keeni doonta in dalku is furfuro dhaqaale ahaan.

waajibaad ayaa ku saaraan shicibyohow wanaagsani waajibaadna waxa uu saaranyahay dawladda, Xisbiyada, Gudida doorashooyinka iyo murashaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenada, hadaan u guda galo waajibaadka ku saaran waxaa ka mid ah in bal maanta doorashooyinka socda in aad xaq u codayso in aad xisbiyada kaad isleedahay tayo ahaan kanbaa dalka hogaaaminaya in aad raacdo balse aanad u ololayn musuqmaasuq , qabiil, garasho, laaluush, IWM, su,aasha aan had iyo jeer iswaydiiyaa waxay tahay siyaasigaa qabiil lagu raacaa tolow isagu qabiil ahaan ma u hiilindoonaa dadkii qabiil ahaanta u raacay? jawaabtan aad ayay ucaddahay waayo siyaasigu qabiilna maaha habka uu ukacsan karo AWRKIISANA wuu u kacsanayaa, ka aad musuqmaasuq ku raacdaana waxaa ku cad in ((LABA XAQDARRO KU COLOOWDAY XAQQAY KUKALA BAYDHAAN)) oo hadhaw markaad adigu wanaag raadiso isagu minjoxaabis buu raadindoonaa, nin baa yidhi ((CADIB TAYE NAFTAAADII YAANAY ADIGA KAA CABAN)) hadaad inta qodob ee kor ku xusan raacdid adigaa iska laalay xuquuqdadii hadaba kaca oo ku walaalooba xisbiyada iyo ajandahooda siyaasadeed, hana ku walaaloobina beel iyo wixii la mida.

dawlada waajibbaa saaran ah in ay adkayso Ammaanka oo ka marag kacaan in aanay faragalin doorashooyinka oo ay u daayaan umadda maamulaysa isla markaana ay suurtogaliyaan in ay ahaadaan heegan hormuud u ah umadda Gudida doorashoyinka mid baa ku waajib ah in ay ilaaliyaan xuquuqda dadka oo ay ka mid tahay xuquuqdoodu hawsha wayn ee lagu aaminayna in ay sideeda u fuliyaan isla markaana ay isku dayaan galdalooladii ka soo baxay doorashadii dawladaha hoose waliba kuwii waawaynaa sida ku shubasho ka dhacday goobaha qaar in aanay sinaba ku suurto galin in ay soo noqoto xaqa iyo xuquuqda ilaaliya badsada goobaha ay ka dhacayso doorashooyinku Xisbiyadda qaranka mid baa ku waajiba ah in ay ilaashadaan xuquuqdooda, in ay is ixtiraamaan, in ay isu hibeeyaan kii laga helo maahee kan kalew waayoo intuba danta qarankuun bay wadaan ka waantoobaa tii hore wixii idinka qabsaday, gaysta goobaha muraaqibiin daacad ah hana gayn mid adiga laguu adeegsado.

Ragga tartamaya mid baa ku waajib ah u ololaynta si hufan ogow mid aanu wax ku siinayno ma jiro waxan baan ahaan jiray, se waxaanu wax idinku siinaynaa sida aad usoo bandhigtaan ajandaha lagu hogaaminayo Dalka kiinii keena hadal ku dirir lagu weerarayo kan kale ogow miisaaniyad maad korodhsane waad iska riday.

Ugu danbayn waajibka dhammaantiin saaran baa waxay tahay xagee lagu arkay dal inta kunool ruboceed ((sadexmeelood meel)) codaysaa?? doorashadii hore waynu ogayn oo waxaa codeeyay guud ahaan dalka oo dhan 440000kun oo qof maaxaa keenay dadka tiradoodu yartahay in ay codeeyaan? baadha suaasha ma cidhiidhi goobaha ka dhashayaa? ma xad la xadeeyey codkaa? tusaale Magaalada Hargaysa 10sanno ee u danbaysay waxaa magaalada ku biiray dhismaheeda in ku dhaw rubuc markii hore say ahaan jirtay 3/1 papulationka ama umadda hargaysa dagan intee lagu qiyaasi karaa markaa isla markaana Hargaysa oo ah Caasimadda dalka iyo obolkaba, waxa weeye qurba jooge iyo ajanabiba waa mid lala yaabay guubaabadeedu waxay saarantahay DADKA, DAWLADA, XISBIYADDA, Gudidada Doorashooyinka iyo hayadaha madaxabanaan ee barbarsocda doorashooyinka. midbaan ku darsnayaa siyaasiyiinta madaxabanaan ee maanta meelna lagu tirin, in bal ay taageeraan xisbiyada xataa hadii aanay u arkin in aanay ka helayn Kursi Xisbina, dadkii aan codayn tii horena midbaan kula dardaarmayaa waad ogtihiin oo doorashadii hore say udhacday baa dalka lagu maamulaa markaa hadaad aamusto kan codeeyay codkiisuunbaa hirgalaya, hadaba codeeya oo codkaagu yaanu noqon mid aad la aamustay waxay keenaysa taasi in dalka gudihiisa dadka jooga qiyaas laga qaadan karo doorashadii hore may ahayn mid laga qiyaasqaato.

intaas oo qodob ku Dadaala Daayinkaa idinla qaban Daacadna ahaada
guul iyo gobonimo Somaliland 
Cumar Cabdi Nuux
calaydh2@hotmail.com, Helsinki Finland 

Top


Xeerarka Doorashada Sideeda Haloo Fuliyo

Somaliland waxaa hadda la guda galay doorashadii madaxweynimo iyo madaxwene ku xigeenmo. Siday dhigayaan qodabada xeerarka doorashooyinku, waa in dhaqaale is le’eg la siiya xisbiyada mucaaradka ah ee tartanka kula jira xisbiga dawladda ee Udub. Waxaa kale oo ka mid ah in la wadaago warbaahinta qaranka ee ay ka mid yihiin, Radio Hargaysa iyo jooranaalka dawladi gacanta ku hayso. Waxaa ka mid ah oo kale in dawladdaddu aanay shaqada komishanka soo fara galin. Illa hadda intaas oo qodob iyo qaar kale oo badanba dawladdu may fulin , cid saxda iyo cid sharciga doorasho wax ka qabata midnaba lama hayo. Wax dhaqaale ah oo loo siiyay xisbiyada mucaaridka ah doorashadan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeennimoba sida la wada og yahay lama hayo. Radio Hargaysana wuxuu noqday Radio Udub. 

Dad badan ayaa Radio Hargaysa ka dhagaystaa shabakadda internetka, barnnaamijyadeeda ku saabsan doorashooyinkuna waxay ku eg yihiin olalaha xisbiga Udub oo kaliya lamana magacaabo haba yaraatee xisbiyada kale . Mararka qaarkood , waxaa dhacda in shaqaalaha idaacadda Radio Hargaysa aad u malayso inay yihiin madaxdii doorashada isu taagaayay. Runahaanna waxay dhinacna ka dhaafaan masu’uuliyaddoodii saxaafadeed. Faalooyinka idaacadda qaar ka mid ah ayaa weriyuhu isaga oo anay shaqadiisa ahayn u jawaabayaa xisbiyada mucaaradka ah, dhaliilaha dawladda loo soo jeediyo. Xeerarka doorasho kuma koobna sandduuq waraaq la codeeyay lagu rido, laakiin waxaa muhiim ah in la wada fuliyo dhammaan qodob kasta oo ku qeexan qodobada xeerarka doorasho.

Shir dhawaan ka dhacay magaalada Hargaysa, oo lagaga wada hadlayay doorashooyinka madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenba, waxaa si weyn u taabtay qodobadaa doorashooyinka iyo in dhaqaale la siiyo xisbiyada mucaaradka ah, ku xigeenka kowaad ee golaha wakiilada mudane Cadilqaadir xaji Ismaaciil Jirdeh. Waaxaanse filaayay in xubno ka tirsan golaha guurtidu laftoodu ka hadlaan qodobadaas mase dhicin arrintaasi!

Labada gole ee wakiilada iyo guuriduba waxay yihiin laba laamood oo xukuumadda ka tirsan lana siman golaha maamulka. ma’aha in ay qalad muuqda indhaha ka qarsadaan. Marka ay dawladdu ku gafayso xeerarka doorasho ee labada gole ansixiyeen ,waxaa ku khasban inay wax ka qabtaan xildhibaanada iyo odayada goleyaashu. Waxaa halkaa ka muuqata in labada gole ama aanay awood lahayn ay sharci ku fuliyaan ama wajibkii ka saarna qaranka ay si weyn uga seexateen . Sharciga dalka u yaallaa waa waajib in uu siduu u qoran yahay loogu dhaqmo loona ilaaliyo! Dawladdu hadday ku qaldanto xeerar dhigan xilku wuxuu saran yahay golayaasha, iyaka ayaanay tahay in ay dawladda tallaabadii ay lahayd mariyaan. Haddayse dawladdu doonayso inay doorashada ku hesho qaab ku dhisan boob iyo sharci aan lagu dhaqmayn, waajib ayay ku tahay labada gole inay soo fara galiyaan waxna ka qabtaan, Haddii kale shacabku wuxuu u qaadanayaa inay goleyaashu dawladda ku raacsan yihiin qaladaadkeeda.

Doorashadii Madaxweynnimo iyo ku xigeenkiisii, waxaa ka hadhsan muddo aad u gaaban illa haddana dawladdu dhaqaalihii may siin komishanka doorashada, umana eeka in ay dhakhsahaa ay ku helayaan! Wuu ku saxsanaa guddoomiyaha komishanku, markuu yidhi is maleh muddada ka hadhsan doorashada iyo komishankii oo aan hayn dhaqaalahay ku hawl gali laayeen. Wali caalamka lama arag dal doorashadii seddex toddobaad ka hadhsantahay illa imikana dhaqaalihii loo qoondeeyay aan la bixin, runtii waa nasiib darro. Golayaasha qarannku ha gutaan wajibkooda qarannimo, komishanka shaqadoodu waa doorashada oo qudha halka goleyaasha baarlaman ay wax ka qaban kari wayaanna yaanay marnaba sugin inay komishanku wax ka qaban karaan. 

Maxamud Caydiid Raghe
Toronto, Canada (Kanada)

Top


Dad Hurda Iyo Dawlad Aan Danayneyn 

Waxaan halkan doonayaa inaan ka salaamo dhamaan saxaafada xorta ah ee aragtida dadka sida fiican ugu soo ban dhigta dadkooda. Sida aynu la wada socono waxaa wadankeenii Somaliland Ka bilaamay ololihii doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo hada uga socda si habsami leh, socona doona ilaa bisha April 14-03,hadaba haddii aan u daadego ujeedadayda oo ah su’aalaha ah, Somaliland ma u baahan tahay wejiyo cusub in dadkeedu arko? Maxaase faa’iido ah ee ugu jira bulshada?.Yaase Mudan in la doorto?

Haddii aan isku dayo inaan su’aalahaas kor ku xusan kaga jawaabo aragtidayda shaqsi ahaaneed, aan soo qaato su’aasha ugu horeysa suaalahayga oo ah, Somaliland ma u baahan tahay wejiyo cusub oo dadkeedu tijaabiyo waxaan leeyahay haa waynu u baahanahay sababo badan dartood.

  1. Dimuqraadiyada waxyaabaha ay reer galbeedku u samaysteen ayaa ah inayan dadkoodu ku caajisin nin qudha ama wejiyo qudha oo noloshooda ku laasta sida hadaba ka jirta Somaliland. 

  2. In ay ku fiican tahay in markasta la tijaabiyo dadka aqoonta leh ee wadanka u dhashay si aan nin cid keliya guul iyo guul daroba wadanku ugu xanibnaan sida hadaba ka jirta wadankan aynu ka hadlayno ee ay horjoogayaasha ka yihiin ama maamulaan dad aad is odhanayso markaad aragto dhaqankooda weligood may arag meel dawlad lagu maamulayo.

  3. musuqmaasuqa wadankan oo cirka isku sii shareerayey ilaa iyo maalintii wadankani goonidiisa isu taagay, hadadan la joogona uu wadanku ku jiro xaaladii ugu xumayd ee wadan soo marta.taasna waxaad ka garan kartaa qofkasta oo xil ka qabta xukuumada jirta maanta iyo sida uu u raadinayo sidii uu uga faro qabsan lahaa, laakiin aanu kuba fekerayn sidii uu dadkan uu masuulka ka yahay haddii aan tusaale idinka siiyo (Wasiir ka mid ah wasiirada hada Somaliland xukuma ayaa waxaa wasiir u magacaabay Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal (ilaahay haw naxariistee) mudo yar ka dib ayuu xilka ka qaaday wasiirkaasi markii uu ogaaday in xilka laga qaadayo ayuu u yimi Madaxweynihii xiligaas isagoo ka codsanaya inuu xilka u sii daayo mudo 10 cisho ah maadaama uu guri qabyo ka yahay), ninkii noocaas ahaa hada waxuu wasiir ka yahay dawlada jirta waxaanu weliba ka hayaa wasaaradaha ugu muhiimsan (alla ayaan daranaa dadkaygu).

  4. Cadaalad darada wadanka ragaadisay ood ka garan karto meel kasta iyo shaqsi kasta oo 
    ku nool Somaliland, dadkuna noqdeen dabaqado taas oo aan dhaqan u ahaan jirin bulshada Somaliland ku nool. 

Si kastaba ha ahaatee inagoo aan halkan kusoo koobi karin sababaha loogu baahan yahay in la helo wejiyo cusub in la doorto aynu uga gudubno su’aasheena labaad ee ah maxaa dan ugu jirta bulshada Somaliland.

Bulshada Somaliland waxaa ugu jirta danta ugu weyn waana iyaga kuwa ka badbaadayaa dhibaatooyinkaas kor ku xusan iyo in badan oo kale oo aynaan halkan kusoo koobi karin, waana tan keliya ee ku khasbi karta Siyaasiyiinta wadanku inaanay ku kaambayn garayn hantidii dadka iyo dalku lahaa iyagoo dadka uga dhigaya markay siinayaan waxay iyagu siiyeen laakiin qof kastoo caqli lihi ogyahay in waxa la siiyey waxiisii ay tahay, haddiise ay dadweynuhu hogaamiyahooda ku doortaan wax qabadkiisa iyo kartidiisa, halkii hantidooda lagaga laaluushayey ee loo siinaayey sida shimbiraha bariiska loogu daadiyo waxuu siyaasiga xilka hayaa ku dedaali lahaa inuu dadkiisa tuso wax qabad si ay ugu doortaan, sidaa darteed waxaan dadka reer Somaliland jeclaystay inaan ku guubaabiyo inaanay codkooda siinin xukuumada maanta ka jirta Somaliland oo wadanka soo xukumaysay mudo dheer wax lagu tilmaami karo oo ay qabatayna aanu jirin tusaale aan idiin siiyo arimahan,Dhowaan golihii deegaanka ee wadanka laga doortay kuna yimi codka dadka waxaa UDUB ama ururka xukuumadu helay codadkii ugu badnaa wejiguu doono ha ku helee, dhamaana magaalooyinka waaweyn ee wadanka waxay u sameeyeen maayaro kasoo jeeda ururkooda iyagoo uga dan lahaa inaan dhuumaha hantida umadu ka baydh baydhin ama ka kala goin sidii ay horeba u jaqayeen, waxaanse aad ugu qushuucay sida waxgaradnimada leh ee ay magaalada hargeysa ka yeeleen ururada mucaaradku iyagoo ururka UDUB kala baxay xubin shaqsiyad leh dhamaana ay codkooda siiyeen intii 14 kii qof ee ururada mucaaradka kaga jirtey iyo 5 xubnood oo ah 11 kii xubnood ee ururka UDUB ka helay Hargeysa, doorashada la doortay maayorka Hargeysa hada ka taliyaana waxay ahayd mid aanay xukuumada maanta jirtaa ka ahayn raali waxaana taas kuu cadaynaaya inta jeer ee Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland dib u dhigey in ay golaha deegaanku ku kulmaan kulankoodii ugu horeeyey ahaana kii ay isku dooran lahaayeen. 

Hadaba iyadoo uu maayorkaasi hayey xilka mudo aad u yar, saas oo ay tahayna kusoo beegmay xili uu xidhan yahay xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, halkaas oo ahayd meesha ugu xooga badan ee ganacsiga magaaladu ku xidhnaa iyo weliba sayladii xoolaha hargeysa oon hada lagu kala iibsan xoolo la dhoofiyo, waraysi wargeysyadu la yeesheen Maayor ku xigeenka Hargeysa waxa uu cadeeyey in maayoradii hore maalintii kasoo saari jireen dakhliga magaalada 9,000,000-12,000,000 SL SH ah maalintiiba una dhiganta 2000 U.S DOLLAR , laakiin ay iyagu hada kasoo saaraan 17,000,000-24,000,000 SL SH maalintiiba taas oo u dhiganta 4000 U.S.DOLLAR, halkaas waxaad akhriste ka garan kartaa farqiga u dhexeeya labada maamul ee midna gacanta dawlada ka yimi midna gacanta shacbiga ka yimi, waxaa kale oo akhriste halkaas kaaga muuqan karta in magaalada hargeysa dakhligeeda la lunsan jirey maalintiiba 2000 U.S x 30 =60,000 U.S bishiiba =720,000 U.S dollar sanadkiiba, weliba akhriste adigoo iga raaliya xiligan aynu qiyaastan qaadaynaa waa xili uu dhamaan ganacsigii wadanku xidhan yahay xataa ma jiro guri la dhisaa oo dhismihii waa la joojiyey. 

Mudanayaal iyo Marwooyin akhristayaal waad ka war haysaan miisaaniyadii sanadkii 2002 ilaa hada inaan la hayn meel ay martay 26,000,000,000 SL.Sh ah, waxaynu ka war haynaa in miisaaniyada sanadkii 2002 iyo ta loo dejiyey 2003 uu u dhexeeyo farqi aad u weyn oo ay badan tahay tan sanadkani, inagoo og inaan wadanka il dhaqaale oo cusubi u furmin inay u furanto iskaba daaye uu xidhmay xuduudkii aynu la wadaagaynay ITOOBIYA, waxayna ahayd in hoos loo dhigo miisaaniyada ama halkeediiba loo daayo lana dhimo miisaaniyada wasaaradaha marka laga reebo wasaaradaha daruuriga ah, akhriste kordhintaas dawladu kordhisay miisaaniyadii sanadkan 03, kana badisay tii 02 waxay kuu iftiiminaysaa laba arimood oo kala ah, doorasho lagu gelayo oo la damacsan yahay in shacbiga lagu beer laxawsado hadhowna haddii shacabku codkooda siiyaan aanay garanayn meel ay ka keenaan laakiin xaalku yahay horta kursiga laakiin aan caqliyad kale jirin, tan labaad oo noqon karta in lagu badinayo intii jeebkooda ku dhici jirtey oo mid kastoo xukuumadan maanta joogta ka mid ah la leeyahay bal xoogaagii aad jeebka ku ridan jirtey hadaynu ku guulaysano kursiga sanadka hore cunaha is qabo sanadka xigaba afka waad u dhigane. 

Akhriste sida aynu kor kusoo xusnay iyadoo jirta ayaa hadana wasaaradii maaliyada ee iyadu miisaaniyadan xad dhaafka ah soo bandhigtay waxay warqad u qorteen UNDP da iyagoo ku leh waxaad naga bixisaan hadaanu wasaarada maaliyada nahay 67000 U.S DOLLAR si aanu isagaga bixino Emailka aanu xafiiskayaga u isticmaalo, akhriste waa ayaan daro haysata Dalkayga iyo Dadkaygaba xukuumada wadanka ka talisaana waxaad moodaa mid wax u sheegta dad juhulo ah, miyaanayse ogayn inaanu dadku ahayn kii beri waxaa weliba intaas u dheer iyadoo wasiirada iyo madaxda wadanku iyagoo adeegsanaya magaca iyo karaamada wadanka ay safaaradaha maraykanka iyo ingiriiska ee ku kala yaal Jabuuti iyo Adisababa uga qaadaan qaraabadooda fiisayaal ay ugu dhoofinayaan wadamadaas iyaga ah si ay qaxoontinimo isaga dhiibaan, taasina waxay galaafan doontaa dadkii u safri jirey inay u dhaqdhaqaaqaan aqoonsi u raadinta Somaliland, taas oo ay wadamadaasi ogaan doonaan goor aan sidaas usii dheerayn, iyadoo ay jiraan dhamaan arimahaas aan kor kusoo xusay ayaa hadana cisbitaalka magaalo madaxda hargeysa oo u jira wax yar madaxtooyada dadku silic iyo darxumo ugu dhintaa, dhaqankii wanaagsanaa ee dadku lahaa ayaa faraha kasii baxaya, ciidamadii ayaan in mudo ah helin wax mushahar ah, ciidamadaasi ma laha wax dirays ah in yar oo maalinta dabaaldeg jiro looga soo geliyo xafiiska madaxtooyada mooyaane si madaxweynuhu isugu sawiro, dadka debeduhuna uga duubtaan cajlado si ayan wadanka hoos ugu eegin, waxbarashadii wadanka ayaad ogtihiin halkay marayso oo hada jaamacadii Hargeysa xidhniin ku dhowdahay schoolaadkiina maxaad ka filaysaa, (Dad hurda iyo Dawlad Daalina).

Waxaan kusoo koobayaa hadalkayga dadyahow idinkaa wadankii jooga codkiinana ku ridaya halkii haboon ee anagana hadaanu nahay dhalinyarada ardayda ah iyo qurbo joogaba hana khasaarinina idinkuna hays khasaarinina ee u codeeya cid tayo leh oo ku rid codkaaga hogaamiye ku haboon inuu hogaamiyo dadkiisa adigoo aan u eegayn Qabiil, Dan gaara iyo wax kale toona laakiin u eeg maxuu yahay qofkaad ugu ridaysaa codkaaga, hore ma yahay nin loosoo tijaabiyey, ma yahay aqoon yahan leh sifooyinkan, indheer garad, ka nadiifa qabyaalad iyo nin jeclaysi, ka madhan musuqmaasuq, ma leeyahay codkarnimo iyo hal adayg, Nabadoon aan loo tirinayn waxii colaad ka dhacay Somaliland kuna caan baxay Nabad iyo Cid walba inuu wada hadal wax kula dhameeyo kana saafiya jujuub.markaa waxaan dadweynaha reer Somaliland kula talinayaa una sheegayaa ninka leh intaas oo sifo ee aan kor kusoo sheegay waa Gudoomiyaha ururka KULMIYE, Muj Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana intaas oo sifo u qiraya cid kasta oo uu Axmed lasoo shaqeeyey, haday noqon lahayd dawladihii soomaaliya u kala dambeeyey, SNM iyo dawladihii Somaliland soo marayba.

Waxaan ku soo koobayaa hadalkayga dadyahow dantaa garo, oo hoos u eeg waxa gondahaaga yaal, hortaadana eeg iyo mustaqbal, waxii kusoo marayna maankaaga ku hay. 

Ismail Hassan Yassin(Faysal). 
Ciil_tire@hotmail.com 
Islamabad, pakistan.

Top


Garta xeer-beegti Iyo xeerarka somalida

Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub
Q: 9aad

Gar-muslax: Sida aynu horeba u soo sheegnay garuhu way noocyo badan yihiin, iyadoo taa loola jeedo in mushkilad walba xal u helisteeda lagu furdaamiyo garta ay yeellan karto ama ku haboon, Somaliduna waxay tidhaahdaa "Garna garteeda ayaa lagu doonaa, mandheerna garkeedaa lagu doonaa". Sidaa awgeed Gar-muslax waxay ka mid tahay noocyada garaha dhaqanka, laakiin gar-mulsax marka la eego dhinacyada loo gar-qaadayo cidna ma qadiso, waxaana la qaybiyaa waxa la isku hayo, isla markaana garta muslax dabeecadaha ay leedahay waxa ka mid ah had iyo goor caqiibo-xumo ma keento oo meesha kama saarto ama ma kala dhantaasho waxyaalaha ay ka mid yihiin toliimada, gacaleeyada, xidid-tinimada, saaxiibtinimada ama wax kasta oo hore u jiri jiray uu mujtamacaasi ku dhaqmi jiray oo xeer iyo xanaan u ahaan jiray ama arimaha loo xillan jiray ee dhaqanka nolosha qayb ka qaata ama saamayn ku yeesha, isla markaana garta muslax ma laha wax Axdar (Arxandaro ah), ama dhibaabe ah ama saraaye ah, sida Millad (Dhaar) ama markhaati la isku jirrabo IWM. 

Ta kale garta muslax waxay ka mid tahay garaha ay qaadaan ragga samataliska ahi, waayo ninka samataliska ahi danta oo ku khasabta mooyee had iyo goor ma qaado ama kuma degdego, isna wax-ba kuma naqsado garta cadaawe, sidaa darteedna ninka samataliska ahi waxa uu had iyo goor ku dedaalaa inuu gar-kasta oo loola yimaado ka baajiyo in laga dhigo gar-cadaawe. Tusaale ahaan nin baa waxa uu ahaan jiray nin hal-adag oo aan had iyo goor ragga u hanbayn oo ragga ama cidda isula timaadda wax-kasta oo kala gala ama ay isku hayaan xal u helideeda ka gun-gaadha af iyo adin-ba, dabadeedna ninkaasi maalin maalmaha ka mid ah ayuu nin ka mid ah raggii ay isku degaanka ahaayeen si daymo leh u eegay, isaga oo qiimaynaya raganimadiisa ama shakhsiyadiisa, ka dibna intuu sidaa u eegay ayuu yidhi "Ninkaa hebel nin fiican ka tegi-maayo", taas oo ula jeedo waxa uu noqonayaa ama uu yahay nin fiican, dabadeedna waxa lagu yidhi "Waayo", wuxuuna ku jawaabay "Waanu hanbayn."

Somalidu waxay ku maahmaahdaa "Laba garamay iyo laba gantamay galladi kama dhexayso", taas oo ay ulajeedaan laba gari dhexmartay iyo laba is-dilay asxaani kama dhexayso, sidaa darteedna waxay maahmaahda caynkaas ahi tilmaamaysaa in hadii ay ragga gar-cadaawe dhexmarto ay taasi ku reebi karto calool-xumo hibasho ama hiirtaanyo reebta, taasna waxa laga yaabaa inay dad gacal ah ama tol ah kala fogayso. Sidaa awgeed bay ragga samataliska ahi had iyo goor ugu taliyaan in garta laga dhigo gar-muslax. Ta kale had iyo goor marka uu is-qabad yimaaddo waxa fiican inaad waxyaabo badan iskaga tagto oo aad mar walba arinta kor ka xaadiso, taas oo loola jeedo inaanad had iyo goor si saqajaanimo ah u xisaabtamin ama aanad si xun wax u qod-qodin, iyadoo ay Somalidu ku maahmaahdo "Lafahana gur xarogana haka tegin".

Sidoo kale waxa la yidhaahdaa, "Findhicilku ma xaaraan baa mise waa xalaal iyo soo hadal-qaadkiisaaba xun."

Waxa kale oo la yidhaahdaa "Gobanimada waa waxaaga oo aad wax ka tagto", sidaa darteed waxay gobanimadu ama wanaaggu ku jiraa inaad had iyo goor is ururiso, taas oo ay arintu ku qurux badan tahay inaanad cid walba la garnaqsan ama aaddan wax ka gun-gaadhin ama biyo-dhiijin. Waxa kale oo jirta hadii qof ay gari idin dhexmarto oo aad ka gar hesho waxay xaqiiqdu tahay inaanu qofkii aad wada dhalateen ama saaxiibka ahaydeen marna ku calools-samaanaynaa garta laga helay, sidoo kalena hadii adiga lagaa gar helo ku calool-samaan maysid, taas oo keenaysa in qof aad isku wanaagsanaydeen ama gacal ahaydeen inaad kala weji dadabtaan oo aad xataa salaanta sharciga iska qaadi-waydaan, iyadoo laga yaabo inaydaan qofkaa kala maarmin karin oo ay mar walba dano iskaga kiin xidhmaan, ilayn dadku hadii uu meel ku wada noolyahay waxa ka dhexayn kara ama ka dhexeeya xidhiidh iyo macaamil nololeed oo ayna ku kala maarmin karine. Sidaa awgeed garaha waxa ugu nasteex badan garta la yidhaahdo Gar-muslax.

Gar dad-ban: Gartan la yidhaahdo Gar-dad-ban dadkeenu Somalidu si fudud bay isaga dhexgalaan, taas oo aanay moodin in gartani tahay mid garnaqsi guddinimo lagu kala xarago qaadanayo ama aanu garaw ku jirin (Garaw lahayn), waxayna si fudud u galaan markhaatigeeda, dhexnimadeeda.

Waxa jirta xikmad tidhaahda "Qosola hiil leh", taas oo la yidhaahdo miyaanay hiil iyo eexiba ku jirin hadii laba nin gole ka wada khudbadayso oo midkood loo mashxarado ama loo sacabeeyo, isla markaana si fiican loo dhegaysto, ninka kalena la dhegaysan waayo oo isaga oo hadlayo hadal kale la dhexgeliyo.

Waxa kale oo garaha dad-ban ka mid ah labada nin ee iyaga oo iska soo horjeeda isu gabya, labadaas nin oo ka gabayga hor-tiriyaa uu noqonayo muduci, ninka kale ee gabayga loo tiriyey ka jawaabayaana waxa uu noqonayaa madaacale, isla markaana ragga isu gabya waa ta had iyo goor la yidhaahdo hebel baa gabaygii ama heestii laga helay.

Sidoo kale waxa garaha dad-ban ka mid ah wiilka iyo gabadha isu heesa ee la yidhaahdo wiilka ama gabadha ayaa gar heshay. Laakiin hadii aynu tusaale u soo qaadano gabayo la isu tiriyey waxa ka mid ah: "Dib u joogso waan kula dacwiyi doodna, waan odhane" tuducani waxa uu ka mid yahay gabay uu tiriyey nin gabyaa ah oo la odhan jiray Qammaan Bulxan. "Hadal waa gun iyo Maxamedow gar iyo maahmaahe, gabayna waan aqaan oo ma jiro nin igu gaadhaaye", tixdanina waxay ka mid tahay gabay uu tiriyey gabyaa la odhan jiray Salaan Carabey. Nin kale oo isna la odhan jiray Ismaaciil Xaleef ayaa gabay uu tiriyey waxa ka mid ahaa "Waa godob gefkaa nagu fasheen, waana noo gacane".

Waxa kale oo arimaha garaha dad-ban soo gala ka mid ah waxa loo yaqaan "Dadab-galka" oo ah marka ay cidi yarad u doonato cid kale oo gabadh ka qabta (Yarad doonashada), waxaana munaasibadaa yaradka la isku waydiisanayo ka dhaca ama la isku dhaafsadaa waxyaalo ay ka mid yihiin:Gabayo, Maahmaaho, hadal muduci iyo madaacale ah, hadalo araar ah iyo hadalo afeef ah iyo hadal dacwi ah, waxaana mar walba doodda lagu gebagebaynayaa hadal asluubaysan oo aan wax turxaan ah iyo wax cay ah midna lahayn, waayo goluhu waa gole xidid, sidaa darteed waa inuu yeeshaa xishood iyo milge gaar ah oo aanay golayaasha kale lahayn, tusaale ahaan nin aad isku geel-jire ahaan jirteen ama aad saaxiib tihiin oo aad si walba u kaftami jirteen ama aad is-caayi jirteen-ba marka aad golahaas oo kale aad isugu timaadaan, hadalkiinu waxa uu la mid ahaanayaa hadalka golaha yaal, waayo waxa la yidhi, " Hoos-ba hadalkiisa leh". 

Sidoo kale waxa garaha dad-ban soo geli kara kaftanka iyo jareexada, waayo kaftanka ama jareexadu waxa uu leeyahay mid si kulul oo dhalaax-qaad ah la isu-dhaafsanayo iyo mid si hufan oo macaan la isu dhaafsanayso oo ay laba ama koox is kaftan taqaan is-dhaafsanayso, waxaana taas oo kale ka garnaqsanaysa dhinacyada wada hadlaysa ee kaftanku ka dhex-ooggan yahay, isla markaana waxa isu dhegaysanaysa oo meesha ka guddi ah cidda markaa golaha joogta ee isu dhegaysanaysa, sidaa darteedna marka uu kaftanka caynkaas oo kale ahi socdana waxaad arkaysaa iyadoo la leeyahay, taasi waa xaal, hadalkaasi waa meel-kadhac iyo waxyaalo la mid ah ama waxaad arkaysaa iyadoo hadalkaba laga xidhayo labada nin ama labada kooxood ee aan kaftanka isla marin-garanayn ama isla wadi karayn...La soco cadadka dambe.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  1. Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  2. Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 108 aad

Mingistu: Marka taariikhiyan dib loo raaco qaddiyadda Ereteriya ayaa waqtigaa shacabka Ereteriya inyar oo aan badnayn ayaa lahayd "Anaga intayada (Dhulkayaga) ha naloo gooyo", laakiin intooda badani waxay ahaayeen kuwo midnimada Itoobiya doonaya. Sidaa awgeed waxa jiray niman soo jeediyey fekrada ah " Labada dhinac (Kuwa gooni u go’idda doonaya & kuwa midnimada Itoobiya doonaya) mawqifyadooda kala fog inta la isku soo dhoweeyo waa in meel dhexe la isugu keeno, meeshaasina waa hab federal ah, hadii sidaa la yeelano waxay taasi sugaysaa (adkaynaysaa) midnimada Itoobiya oo sii jirta". 

Laakiin anigu (Mingistu) waxaan mar kale doonayaa inaan cadeeyo inaanay is le’ekayn tirada Ereteriyiinta ee kuwa gobanimodoonka ah ee go’idda doonayay iyo kuwa midnimada Itoobiya doonayey. Sidaa darteed dadka shicibka ah ee Ereteriya waxa la odhan karaa may doonayn goosiga, hadii ay jirtay cid doonaysaana tiradoodu way yarayd. Hase yeeshee kooxaha Ereteriyiinta ah ee midnimada Itoobiya dooonayey markii loo soo jeediyey ra’yiga ah federalka ah aad bay uga soo horjeesteen oo waxay yidhaahdeen "Sidee bay taasi u dhici kartaa, waayo sidee qaybtan yar ee madax banaanida doonaysa naloola simi karaa", markaa iska dhaaf dawladda oo xataa guddiga doorashooyinka ayey inta ay iyaga oo boqolaal ah u yimaadeen arintaa kala hadleen, iyaga oo ku yidhi "Sidee bay midnimadayadu u noqon kartaa wax la iswaydiiyo oo laga doodo, taasi ma dhici karto anaguna wax federal la yidhaahdo ma rabno", markii ay sidaa lahaayeena aad ayey u cadhaysanaayeen, laakiin boqorkooda ayaa yidhi, "Waxba rayigiina waxba haka baqanina inaad soo bandhigtaan, waayo waanu fahamsanahay fekradiinu waxa ay tahay, balse dhibaatada weyn ee jirtaa taa ma aha, maxaa yeelay iminka ma aha in laga doodo in federal la noqdo iyo inkale ee mushkiladda meesha taal waxa weeye sidii Ingiriiska looga saari lahaa Ereteriya, markaa ta ka helo ka dibna dadka midnimadoonka ee Ereteriya ma jirto cid is hortaagi kartaa". 

Waqtigaa boqorku waxa uu sidaa ugu jawaabayey nimankii la taliyayaashiisa ahaa ee la joogay, sidaa darteed la taliyayaashiisu fekradaa way ku raacsanaayeen.

Wada tashidayadaa iyo sidii ay arimuhu u dhacayeen oo dhan waxa goobjoog ka ahaa odaygii Baabaaska (Wadaadka kaniisadda), anigana isaga ayaa iiga sheekeeyey, Ka dibna aniga oo qiimaynaya waayo-aragnimadiisa iyo geesinimadiisa uu intaas oo sannadood dalkiisa halganka ugu soo jiray ayaan ku idhi "Waxaad yeeshaa sidii aad awel horeba ugu soo jirtay hawsha midnimada ah ee dalkaaga, iminkana sidii oo kale qolooyinka aad taqaanay inta aad u tagto ka shaqee sidii aad uga dhaadhicin lahayd ama wadada toosan u fahamsiin lahayd ee igu soo ridi lahayd, intaa nagu caawi", dabadeedna inta uu farxad noo muujiyey ayuu noogu jawaabay "Aniga jecel inaan sidaa yeelo, hadana da’ baa I haysa", hase yeeshee sidaa kuma joogsan ee inta uu odayaal kale kaxaystay ayuu u sii lugeeyeen dhulkii Saxaraha ahaa ee ay joogeen nimanka gobanimodoonka ahi, Saxarahaasna waxay nimankaa odayaasha ahi kala kulmeen silic iyo dhibaato badan, laakiin markii ay u tageen ayey soo caayeen, isla markaana ku soo gacan-saydheen dib u soo celiyeen. 

Tusaale ahaan odaygii da’da ahaa, isla markaana ahaa mudiirka culimada waaweyni ayey caayeen, iyaga oo ku yidhi "Kaagani hore waxaad u ahaan jirtay qof uu Xayle Salaase sida hubka u isticmaalo, maantana ma dhergiga ayaad khadaam ay soo dirsadaan u tahay", ka dibna way soo caydhiyeen odayaashii. Sidaa awgeed duqaydii aanu dhexdhexaadinta ugu dirnay inta ay soo caayeen oo ay sharaftii ay lahaayeen meel kaga dhaceen ayey dabada kaga soo dhaceen, dabadeedna odaygii ergada hogaaminayey ee aanu hawsha dhexdhexaadinta u dirnay inta uu arinta ay ku sameeyeen aad uga xanaaqay ayuu Magaalada Musawac iskaga laabtay, laakiin waxa la ii sheegay in markii uu Musawac tegay in inta uu Masqal (Kaniisadda) istaagay, isla markaana uu macatabkii uu xidhnaa iska saaray oo uu dhinaca badda u jeestay yidhi "Baddaay waxaan ku waydiiyey runta marka aad sheegto ma Carabta ayaa ku leh, mise Itoobiya ayaa ku leh", dabadeedna waxa la sheegay markii uu intaa yidhi inay indhihiisa bahal ilmo ahi ka soo dareertay, ka dibna ummaddii arkaysay oo dhan ayaa iyaguna wada qaracmay oo inta ay wada ooyeen iska joojin kari-waayey ilmadii indhahooda ka soo dareeraysay.

Ta kale sidii aan horeba kuugu soo sheegay wixii la xidhiidha janaraal Amaane isaga ayaa ka warami karaya, laakiin marka hadii aan inyar faallo ka bixiyo ugu horayn ummadda reer Itoobiya waxba kama ay aqoonin shakhsiyadiisa, balse kalsoonida aanu ku qabnay iyo kal-gacaylka aanu u haynay waxa uu ahaa mid aad u weyn, gaar ahaan anigu (mingistu) maadaama aan ahaa qofka ugu dhowdhow ee ay wada shaqeeyeen oo aan kuxigeen u ahaa aad baan u aqaanay. Sidaa darteed qiyaas ahaan marka aan barbar-dhigo janaraaladii kale ee dalka, xiligii uu isagu dhalinyarada ahaa, aniguna aan dhalinyarada ahaa, khaasatan markii uu haystay guutada saddexaad sidii uu dadka ula dhaqmi jiray iyo dadnimadii uu lahaa aad baan ugu xaq-dhawri jiray, sidaa darteed shicibkuna may doorran, ciidankuna may doorran ee aniga awgay ayaa inta hawl-gabkii uu ku jiray laga soo celiyey dib loogu doortay inuu noqdo gudoomiyaha dhergiga...

La soco cadadka dambe.

Top


Arday Reer Sheekh Ah Oo Toori Qudha Lagaga Jaray

Sheekh (Haatuf): Alla ha u naxariistee marxuum magaciisa la odhan jiray Mubaarik Cabdi Cale Bulaale ayaa Arbacadii ku geeriyooday magaalada Sheekh, ka dib markii uu toorri qudha kaga jaray gacan-kudhiigle magaciisa la yidhaahdo Maxamed Maxamuud Xandule, laakiin labada nin (marxuumku & Gacan-kudhiiglaha) oo labaduba ah laba wiil kurray ah oo sida la sheegay aan labadaba da’doodu hoos uga yarayd labaatan sanno, isla markaana labaduba waxay ka mid ahaayeen ardayda wax ka barata dugsiga dhexe ee magaalada Sheekh.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan X. Daahir (Casaan) waxa marxuumkaa meydkiisii shalay lagu aasay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, sidoo kale gacan-kudhiiglaha dilka geystay waxa isna loo soo dhaadhiciyey xabsiga magaalada Berbera oo uu hadda ku xidhan yahay.

Lama garanayo sababta dilkan keliftay, laakiin sida la sheegay inay labadaa wiil abaaro 10:00 subaxnimo ee Arbacadii doraad ay isla qabteen meel magaalada ka baxsan oo ah meel boholo oo loo yaqaan Boholaha sheekh, ka dibna markii ay meeshaa cidlada ah isla tageen ayuu halkaa ku dhexmaray dagaal gacanta ahi, hase yeeshee gacan-kudhiiglaha dilka geystay (Jibriil Maxamed Maxamud) ayaa hoosta kala soo baxay mindi toorri ah, ka dibna marxuumku kaga dhuftay meel halis ah, sidaana uu ku naf-waayey.

Dhacdadan dilka ah ee lama filaanka ah waxay abuurtay cadho iyo dareen naxdin leh, taas darteedna waxay maamulka iyo hogaamiyayaasha bulshada reer Sheekh walaac ka muujiyeen inay xiisaddu sii hurto oo ay waxyeelo kale isu geystaan labadii qoys ee ay labada wiil ka soo kala jeedeen, sidaa awgeed waxay taasi keentay in maydkii iyo gacan-kudhiiglahaba loo gudbiyo magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ee ay degmada Sheekh ka tirsan tahay, isla markaana xal u helidda mushkiladdaa waxa ku hawlan duqay iyo wax garad reer Sheekh ah iyo weliba masuuliyiin maamulka dawladda ka tirsan. 

Top


Waadiga ciyaaraha

M/Rashiid M. Faarax

Koobka Horyaalka Kooxaha Yurub Oo Soo Gaadhay Wareega Sideeda Kooxood

Waa markii 4aad ee Arsenal ka hadhay iyadoo badis iyo barbaraba ku soo baxda Horyaalka Yurub

Waxa soo baxay sideed kooxood oo u baxay Quarter finals sideeda kooxood oo kala ah Ac-Milan Italy, S. Ajax Holland, Real Madrid Spian, Volencia Spain, Barcelona Spain, Jevantus Italy, Manchester United England, Inter Milan Italy, halka ay sideed kalena ku hadheen group 16 sideeda kala ah Arsenal, Roma, Newcastle, Doturmond, Lokotiv Moscow, Liver-kusen Deportivo Basle.

Valaince2 -1 Arsenal Kaga badisay Reebtay Kana Champains League
Waa sanadkii afraad ee ay ku hadho Arsenal iyadoo badis iyo barbaro ku soo baxda koobka horyaalka Yurub.

Valencia ayaa 2 gool iyo hal kaga badisay naadiga Arsenal ciyaartii arbacadii ee Champian laga ciyaartaasi oo loogu baxayay quarter final wareega 8 kooxood ah halkaas oo uu ugu baxay naadiga Valencia ee labada jeer ee hore gaadhay ciyaarta finalka horyaalka kooxaha yurub, labada jeer oo ay marna isugu soo baxeen Real Madrid marna Bayern Munich haddaba naadiga Arsenal oo aan waligii dhaafin wareega 8-da kooxood oo uu mar kaliya gaadhay kalena ku hadhi jirtay wareega 16-ka naadi iyadoo ay tahay arrin caado u ahayd Arsenal inay meelaha kaga hadho koobka Yurub u qaalisan.

Haddaba john Carew weeraryahanka reer Norway ayaa 2-ba gool ka dhaliyey Guners-ka ninkaas oo qoryihii iyo madaafiicdii ka dhigay demish isaga oo horena Carew uga reebay sanad hore oo uu gool madax ah ka dhaliyay iyagoo semifinal u baxaya.

Tababaraha Valencia Mr. Rafa Banitez ayaa yidhi Carew waxa uu aad u jecelyahay kubad Ingiriiska iyo naadiyadooda inuu ka ciyaaro sidaa daraadeed ayuu naadi kasta oo Ingiriisa marka la ciyaarayo-ba uu si aad u qurux badan u soo bandhigo ciyaarihiisa u quruxda badan. ciyaaraha sida horyaalnimda Yurub haddaba John Carew oo dabaashay naadiga Arsenal isaga oo sanadkii hore doonayay inuu Fulham tago haddana waxba kama suurto galin.

Tababaraha oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi "waa markii labaad ee uu Ingineer ka noqdo reebista tartanka horyaalada Yurub, oo uu wed u yahay kooxda Arsenal." 

Waxaa uu goolka koowaad ka dhaliyay daqiiqadii 34aad ee half-kii hore ee ciyaarta markii Poblo Aimar si wanaagsan ugu dhigay kubad, halkaasi oo laad dheer ku dhinac mariyay goolwadaha Arsenal waxaa isla afar daqiiqo ka dib u barbareeyay Theiry Henry, oo si la nashqad ah goolkii isna uga dhaliyay goolwadaha Valencia halkaasi oo ay ciyaartu haafkii hore ku dhamaatay 1-1.

Daqiiqadii 57aad ayaa Carew dhaliyay goolkii labaad oo madax qurux badan ah score-kuna noqday 2-1.

Labaatankii daqiiqadood ee u dambeeyay Valencia waxa goolka u hayey goolwadihii reserve-ka ahaa, markii dhawaac isha dusheeda ah uu kabta kaga dhuftay Lyungberg markii ay dhamaatay ciyaartu ayaa waxa uu yidhi mar uu hadlay tababaraha Arsenal Arsene Wenger "dhamaantayo waxaanu wada saaranahay doon kaliya haddaan maamul nahay iyo haddaanu nahay ciyaartoy nahayba. Aniga kaligeyna indho la’aan la igu soo eegi maayo laakiin waxaa iyadu iska jirta nasiib xumo su’aasha meesha taalana ay tahay tanina waxay ahayd ciyaartii kaliya ee nalaga badiyo wareegan dambe. Waanu ku dedaalnay runtii sidii aanu goolka labaad ee barbar dhaca u keeni lahayn laakiin waxaanu iska ahayn qaar waali ku fikiraaya, oo woxoodu yihiin waxba kama jiraan," ayuu yidhi.

Haddaba gudoomiyaha kubadda cagta Yurub ayaa yidhi, "Wuu xanaaqay, waanu caytamay Vierri dibna u ciyaari maayo, ciyaaraha Yurub ugana qayb geli maayo" ta kale waxaa iyaguna habeenkaa ciyaartaa Valencia caytamay dhawr qof oo ciyaartoyga Arsenal ah oo waliba nasabad cay ah dhawrka qof oo kala ah Patrik Vieirri, Theiry Henry, Syvain Wiltord Kolo Toure, inkasta oo uu ambiil cafis ah weydiistay Henry ninka madaw ee reer Norway Carew inuu ka joojiyo dacwada raali galena siiyo kana masaxo dambiga ay qorteen maamulka kubada cagta ee spainish-ku ciyaartii habeen hore.

Maaha markii koowaad ee ciyaaryahanada reer Arsenal caytamaan ama aflagaadoodaan, haddii ay badiyaan iyo haddii laga badiyaba.

Waxa dhacday ciyaarihii wareegii hore tii ay la ciyaareen Eindhoven oo ay kaga badiyeen 4-0 haddana way aflagaadoodeen, laakiin waxay mushkiladu tahay hadalka iyo aaminaada Vieirri uu ka aaminsan yahay ciyaaraha naadiyada Yurub sida mar uu shalay khamiistii u waramayay SKY TV waxa uu yidhi " Anagu Carew waanu is raali gelinay ciyaartii habeen hore laakiin waxaan la yaabay adigoo aan waxba samayn ayay maamulka kubadda cagta ee Yurub iskaga kaa xukumayaan laba kun ilaa saddex kun oo Ginni, oo u dhiganta 3000 US $ ilaa 4700US$ kuwaasi oo ah wax aan sal iyo raad lahayn laakiin waa hadal ay iskaga hadaaqaan madaxda kubada cagta ee Yurub. Haddaba miyaanu ogayn in PSV Eindhoven inay kala baxsatay Arsenal lacag ganaax ah oo dhan 13000 oo Gini (20300) $ taasi oo maxkamadda UAEFA ku xukuntay Arsenal ciyaartoodii hore ee October 2002, haddaba report-kii ka soo baxay ciyaartii Arsenal iyo Valencia ee habeen hore mar uu ka hadlayey agaasimaha guud ee xidhiidhka UAEFA Mr. Mike Lee isaga oo ka difaacaya ururada u xilsaaran nasabad cayga iyo aflagaadada waxa uu sheegay in aanay reer Arsenal aqoonin anshaxa ee ay daawadaan cajalado cay iyo aflagaado ah sida filimda.

Laakiin waa inay daawadaan ciyaaraha xeerarkooda, iyo anshaxooda cajaladaha ka sheekaynaya ama loo dhigo" ayuu yidhi agaasimaha guud isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in naadiga iyo ciyaartoygiisaba la baro anshaxa wanaagsan iyo asluubta ciyaareed.

Ugu dambayna wuxuu hadalkiisa ku soo gebagegabeeyay inay iyaga dan u tahay reer Arsenal inay bartaan dhaqanka ciyaaraha.

Isku aadka naadiyadii u soo baxay quarter final-ka ee koobka horyaalka Yurub waxa lagu sameyn doonaa caawa isku aadkooda magaalada Nyon ee dalka Switzerland oo ah xarunta maamulka UEAFA.

Top