Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 294 March 25 2003

Maalinta Biyaha Adduunka Oo Laga Xusay Somaliland

Dawooyinka: Waxtarkooda Iyo Waxyeeladooda

Qaybaha Tamarta (Energy Options)

Burco: Ururka Dhallinyarada UGUBAAD Oo Ku Biiray KULMIYE

Xisbiga KULMIYE Iyo Gulufkiisa Ololaha Doorashada Ee Gobolka Hargeysa

Jilbo-Dhiig

Garta xeer-beegti Iyo xeerarka somalida

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Golaha Wakiilada Oo Gudo-Galay Dooda Xeerka Doorashada Xubnaha Golaha Guurtida

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Wasiiru-Dawlaha Hawlaha Guud

Casharada Nolosha


Maalinta Biyaha Adduunka Oo Laga Xusay Somaliland

Hargeysa (Haatuf) Maalinta biyaha adduunka oo ku beegnayd maalintii shalay ayaa guud ahaanba si weyn looga xusay Somaliland magaalada Hargeysa xaflad ballaadhan oo lagu xusayay munaasibadaasi ayaa lagu qabtay fagaaraha kheyriyada ee magaalada Hargeysa munaasibadaasi oo ay ka qayb galeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiiradda beeraha, macdanta iyo biyaha, xanaanadda xoolaha iyo marti sharaf kale oo badan waxa dadweynaha khudbad uga jeediyay wasiirka macdanta iyo biyaha C/Raxmaan Dixood isaga oo ka waramay ahmiyada ay biyuhu u leeyihiin nolosha iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la ilaaliyo lana dhawro.

Waxa kale oo uu wasiirku ka waramay dedaalka ay ugu jiraan biyaha iyo sidii dalka loo wada gaadhsiin lahaa sidoo kale waxa xaflad lagu xusayo maalinta biyaha lagu qabtay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorame.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar waxa munaasibadan ka hadlay ku xigeenka badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Maxamed iyo isu duwaha wasaaradda macdanta iyo biyaha ee gobolka Awdal Maxamed Xasan Axmed, iyagoo ka waramay ahmiyadda ay biyuhu u leeyihiin nolosha. Sidoo kale waxa munaasibada laga xusay magaalada Burco xarunta gobolka Togdheer.

Top


Dawooyinka: Waxtarkooda Iyo Waxyeeladooda

Waa maxay Dawo?

Iyadoo wakhtigan xaadirka ah ay jirto faham la’aan badan oo ku xeeran mawduuca dawooyinka, la yaab ma aha inay dadka badankiisa iskaga murgaan waxaalo fara badan oo ku saabsan dawooyinka. Dhaqannada ku saabsan arrintaasina had iyo jeer kama madhna xayaysiisyo loo sameeyo dawooyinka iyo qoraallo badan oo laga qoro. Hadaba iyadoo xaalku sidaa yahay, hadana dawooyinku ma aha wax ku cusub addunyada. Masaaridii hore (Ancient Egyptians) ayaa ahaa dadkii ugu horreeyay ee wax ku baanta dawooyinka, waxana la yidhaa dhakhtarradoodu waxay wakhtigaa wax ku dabiibi jireen ilaa 900 oo nooc oo dawooyin ah. Waxaanay ku dhowdahay ilaa 2000 oo sanadood dhalashadii nebi Ciise (naxariisi korkiisa ha ahaatee) inay dhakhaatiirta Masaaridii hore nabarrada iyo caabuqa ku dawayn jireen maaddad kimikal ah oo laga soo dheegay fidriyaadkaa "Fungus", taas oo laga yaabo inay xidhiidh la leedahay "Penicillin" oo maanta la isticmaalo. Xataa waxa jira fikrado odhanaya qoraaladii ay sameeyeen Masaaridii hore siday muujinayaan inay haysan jireen kiniinka dhalmada lagu xakameeyo. Dhaqan kastaa wuxuu ka faa’iidaystay waxyaalaha kimikalka ah ee dabeecaddu siisay, kuwaas oo ay ka mid yihiin caaleemaha, xididada, jiridda dhirta si ay uga samaystaan dawooyinka ay cudurada ku baantaan. Dawooyin fara badan oo casri ah sida "aspirin, digitalis", iyo "quinine" (oo markii hore loo isticmaali jiray xummadda dabadeedna kaneecada) waxa laga soo dheegaa dhirta dabiiciga ah. Waxana halkaa ka muuqata in wakhti aan aad u fogayn ay dadku barteen sida maadadaha dawada ah ee dhirta ku jirta ay wershadaha ku sameeyaan (synthesize by-products chemically).

Run ahaantii dawo ama "Drug" waa kelmad dadka maskaxdooda ku jirta, hase yeeshee aan weli aad loo wada fahmin. Baradhadu markii ugu horreysay ee la geeyey Yurub, waxa loo arkay shay gaar ah oo cusub loomana iibin jirin sida cuntooyinka kale ee waxa lagu iibin jiray qiime aad u sarreeya sida dawooyinka, maxaa yeelay kamiyad yar ayaa soo Gaadhi jirtay Yurub. Dawo ama "Drug" sida ay ku sifeeyaan kutubta Farmakolojigu waxa weeyaan maaddad kasta oo kimikal ah oo saamayn ku yeelata jidhka.

Fitamiinnada "Vitamins" ma waxaynu u qaadan karnaa dawooyin inay yihiin? Dad badan ayaa arrintaa kaga jawaabi lahaa "maya", laakiin hadii kamiyad fara badan oo ah fitamiin sii "VitaminC" ay jidhka dadka gasho, ma ahaanayso fitamiin siiga dabiiciga ah ee aynu ka helno liin-macaanta, fitamiin ee "Vitamin A" isagana hadii kamiyad badan laga qaato ma ahaanayo fitamiin Eegii ku jiray kaaroodka ama daba-casaha, waxana ka dhalan karta madax-xanuun xoog leh, indhaha oo haydh-haydh galo, hurdo xumo, iyo calaamado muujinaya xanuunada maskaxda.

U malayn maayo in qofna is odhan karo sigaarka, aspirin, waxyaalaha cuntada lagu macaaneeyo, iyo hawada aynu neefsano, waxay ka mid yihiin "Drugs", haddaan taa idiin balbalaadhiyo, Nikootiinka sigaarka ku jira, alkoolka iyo oksigiinka hawada intuba waxay jidhka ku yeeshaan saamayn "pharmacological effect", matalan ilma yar ee dhashay haddii la siiyo kamiyad badan oo oksijiin ah waxay keeni kartaa indha-beel ku yimaada ilmahaa yar.

Hadaba, iyadoo ay jirto digtoonaan la’aan badan marka aynu dawooyinka qaadanayno, waxa ila haboon inaynu is baraarujino oo ayno wax isaga sheegno halista ka dhalan karta dawooyinka oo si qaldan loo adeegsado, kuwaas oo ay mid yihiin dhibaatada ka dhalata marka ay dawooyin badan oo kala duwani jidhka wada galaan "chemical interaction" iyo xasaasiyada ay dadka ku keenaan dawooyinka qaarkood "Susceptibility and adverse reactions".

La soco

Top


Qaybaha Tamarta (Energy Options)

Stephen Ndichu (La Taliyaha Hay’adda ADRA Ee Dhinaca Farsamada)

Tamarta waxay ka mid tahay waxyaabaha ma huraanka u ah nolosha waxaana loo adeegsadaa waana shayga ina siiya ilayska, aaladda cunta karinta, adeegsiga warshadaha iyo dhamaan-ba wixii quuta xooga tamarta. Haddaba maqaalkani wuxuu halkan ku soo bandhigayaa qaybaha tamarta (Energy Options) ee dalka Somaliland laga isticmaali karo iyada oo ay dalkan ka jiraan waxyaabo badan oo tamarta laga helikaro balse aan weli la soo saarin ama aan sidii saxa ahayd loo isticmaalin, taas oo keentay in la laasimo tamarta ka soo baxda habka mashiinada janareetada (Generator Sets).

Waxase jira habab kale oo ka sahlan oo tamarta laga dhalin karo sida qoraxda (Solar Energy), Dabaysha, Uumiga iyo

Cufka 
Tamarta Dabaysha
Sida la ogyahay dalka Somaliland waxa xeebtiisa dheer ee badda cas ka dhaca dabaylo fara-badan oo soo gaadha meelo ka mid ah dalka gudahiisa.

Dabayshan faraha badan waxa loo bedeli karaa tamar lagu kiciyo bamamka biyaha soo saara ama mashiinada dabka dhaliya ee danyartu adeegsato.

Tamarta Qoraxda
Dalka Somaliland wuxuu helaa ugu yaraan 6 saacadood oo qorax joogto ah maalin kasta xili kasta ha la jooge, waxaana lagaga dhergi karaa qalabka soolarka iyada oo habkaas loo isticmaali karo ama biyo baylinta 

cufka Tamarta
waxa laga helaa caleenta iyo xaabadda dhirta oo la isku kuusay ama saalada xoolaha, hase yeeshee dhirta iyo biyaha oo Somaliland ku yar awgeed, waxa dhirta dhuxul ahaan loo isticmaalayo lagaga maarmi karaa iyada oo xaabka iyo xasabka inta la budliyo lana qooyo oo si malaasan la isugu dhajiyo ka dibna inta qurub qurub yar laga dhigo dhuxul ahaan loo shito.

Inkasta oo cufku aanu bedeli doonin tamarta laga helo mashiinada dhaliya dabka (Generators) balse waxa dhuxusha habkan loo sameeyo looga danleeyahay in dadku ay kaga maarmaan dhirta qoyan ee dhuxul ahaan loo shito.

Baahiyaha Tamarta Ee Miyiga iyo Magaalada
Haddii aynu Hargeysa tusaale ahaan u soo qaadano, waxa laga yaaba in qofku u heli karo tamar joogta ah 15 saacadood oo ka mid ah 24-ka saacadood taas oo inta u laydhku ka maqanyahay u isticmaali karo mashiin dab dhaliya ah, ama dab-kaydiyaha kala doorashada labada xal ay ku xidhantahay kolba tamarta loo baahan yahay siday tahay, waxaana suuro-gal ah in muddada laydhku maqanyahay meheradaha ganacsigu ay isticmaalaan mashiino dabka dhaliya (Generator-sets) halka TV-yada iyo kambiyuutarada (1-2) loo adeegsan karo baytariyada dabka kaydiya, waxa kale oo u qofku muddadaas isticmaali kara nidaamka soolarka, hase yeeshe marka ay tahay cunto-karsi waxa haboon in la isticmaalo uumi-baxa batroolka ee la fadhiisiyo gaas-ka (LPG), dhinaca miyiga iyo tuulooyinka qoyska halkaa ku nooli wuxuu sida caadiga ah wax ku karsadaa dhuxusha hase yeeshee wuxuu isticmaali karaa gaas-ka haamaha, faynuusyadana wuxuu ku shidan karaa gaaska, iyada oo haddii uu qofku awoodi karo u isticmaali karo habka Soolarka ama mashiinada yar yar ee dabka dhaliya (Generator).

Inkastoo qofwalba uu isku taxa-lujiyo inuu raadsado tamar jaban haddana lama odhan karo tamarta uu isticmaalaa inay tahay tii ugu quwada badnayd (Most efficient).
Laakiinse waxa hubaal ah shay kasta oo tamar laga helaa inuu dhaqaale ku fadhiyo.
Haddii ay tahay tamarta qofku isticmaalaa mid dani ku baday ah, waxa dhacda in kharashku bato sidaas darteed waxa ka kharash yar inaad mashiin iibsato laydhka ganacsiga ah oo aad soo gashato, waxaana lagama maarmaan ah in qofwaliba dib u eego habka uu tamarta u helaa inuu yahay kii ugu haboonaa iyo inkale.

Haddaba inta badan waxa dhacda in dadku aanu aqoon ku filan u lahayn isticmaalka tamarta, aqoon la’aantaas oo ku yeelata kala doorashada waxyaabaha tamarta laga helo.

Top


Burco: Ururka Dhallinyarada UGUBAAD Oo Ku Biiray KULMIYE

Burco (Haatuf) Ururka dhalinyarada ee UGBAAD oo ka mid ah ururada dhalinyarada ee Burco ayaa shalay ku biiray xisbiga KULMIYE, munaasibad lagu maamuusayey midowga ay dhalinyaradaasi la midoobeen xisbiga KULMIYE ayaa lagu qabtay magaalada Burco, sida uu ku soo waramay Axmed Aaden Yuusuf oo ka tirsan Haatuf, waxa xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta ururka dhalinyarada, masuuliyiinta gobolka ee xisbiga KULMIYE iyo marti sharaf kale, waxaana ka hadlay gudoomiyaha ururkaas Mr. Liibaan Salaad Ismaaciil, wuxuuna uga mahad celiyey masuuliyiinta ururka KULMIYE sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, isaga oo sheegay markii ay qiimeeyeen xisbiyada iyo musharaxiintoodaba, isla markaana ay ula shaqayn doonaan xisbiga KULMIYE si ka wanaagsan sidii ay ula shaqayn jireen ururkii SAHAN.

Xoghayaha ururka UGBAAD Siciid C/laahi Aw Daahir oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in markii ay u ololaynayeen ururkii SAHAN ay dadka u sheegi jireen inay codkooda siiyaan Kitaabka, oo ahaa astaantii ururka, maantana waxanu leenahay "Mujaahidka codkiina siiya" ayuu yidhi.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, C/Qaadir Maxamed Xasan, wuxuuna u mahad celiyey ururka dhalinyarada ee sida firfircoon isu soo abaabulay ee ku soo biiray xisbigooda, isaga oo sheegay in xisbiga KULMIYE, uu dhalinyarada kaalin weyn siiyay, isla markaana uu ka shaqayn doono sidii dhalinyaradu u heli lahayd mustaqbal fiican, waxbarasho tayo leh oo la mid ah ta caalamka horumaray, wuxuuna intaa ku daray inay dhalinyarada u abuuri doonaan shaqooyin, isla markaana ay kor u qaadi doonaan dhaqaalaha dalka, haddii ay ku guulaystaan doorashooyinka. Waxa kale oo uu sheegay gudoomiyuhu inay daryeeli doonaan nolosha macalimiinta iyo qoysaskooda. 

Ururka dhalinyarada ee UGBAAD oo la sheegay inay xubno ka yihiin ilaa 400 oo dhalinyaro ah oo hore taageeri jiray ururkii SAHAN waxay xafladaa ku cadeeyeen inay ku biireen xisbiga KULMIYE. 

Top


Xisbiga KULMIYE Iyo Gulufkiisa Ololaha Doorashada Ee Gobolka Hargeysa

Hargeysa (Haatuf) Wefti balaadhan oo uu horkacayo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lagu wadaa inay saaka u bixitimaan deegaamada Bali-Gubadle iyo Salaxley, halkaas oo ay ku soo mari doonaan socdaalo la xidhiidha ololaha doorashada madaxtinimada ee la filayo inay dalka ka dhacdo 14-ka bisha April ee fooda inagu soo haysa.

Weftiga xisbiga KULMIYE habeenimadii sabtidu soo gelaysay ee habeen hore ayey ka soo hoydeen socdaalo ay ku soo mareen deegaamo ballaadhan oo ah degmada Gebilay iyo deegaamo kale oo galbeedka Hargeysa ah. Sida lagu soo waramay weftiga KULMIYE waxa deegaamadaa loogu soo dhaweeyey si aan hore loo arag, iyada oo la sheegay inay deegaamada Gebilay iyo Allaybadey meelo fog fog kaga horyimaadeen weftiga KULMIYE, isla markaana ay fardo ku gelbiyeen.

"Saddex Kilo mitir ayey Axmed Siilaanyo iyo C/Raxmaan Aw Cali dadka reer Gebilay dhex lugaynayeen, ka dib markii ay ka horyimaadeen" sidaa waxa ku waramay weriyayaasha.

"Waa soo dhaweyntii iigu dad badnayd noloshayda" ayuu yidhi Axmed Siilaanyo oo meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha reer Gebiley, isaga oo intaa ku daray "Madaxweynaha waxa u ekeyd inuu ku dhawaaqo gobolnimada Gebiley, laakiin anaga xaggayaga Gebiley saacadaa laga bilaabo Gebilay waa Gobol", hadalkaasna dadka reer Gebiley aad bay ugu jaameeyeen.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay C/Raxmaan Aw Cali Faarax, iyadoo ay Axmed Siilaanyo C/Raxmaan Aw Cali yihiin labada nin ee xisbiga KULMIYE uga sharaxan jagooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Weftiga KULMIYE waxay magaalada Gebiley u hoydeen hal habeen, laakiin waxay uga sii gudbeen magaalada Kalabaydh halkaas oo iyadana loogu soo dhaweeyey si la mid ah sidii loogu soo dhaweeyey Gebiley, isla markaana waxay hogaamiyayaasha KULMIYE dadka reer Allaybaday kala hadleen meel fagaare ah, sidoo kale maalinimadii jimcihii ayey weftiga KULMIYE socdaalo isdaba joog ah ku soo mareen deegaamo ay ka mid yihiin Tog-Wajaale, Fara-Weyne, iyo Balli-Cabane iyo tuulooyin kale.

"Ardayda Gebiley waxa lagu yidhi soo dhaweynta KULMIYE ha u soo bixina, ardayga u soo baxana iskuulka ayaa laga eryayaa, weftigii Daahir Rayaale-na ardayda waxa lagaga horgeeyey dhawr Kiloo mitir, ma taasaa noqonaysa cadaalad iyo dimuqraadiyad?" sidaa waxa yidhi Axmed Siilaanyo, oo khudbado ka jeedinaya deegaamada ay booqdeen.

Sidoo kale C/Raxmaan Aw Cali oo isna deegaamadaa khudbado ka jeediyey waxa hadaladiisa ka mid ahaa "Madaxweynaha dalku Waa Inaa-adeerkay, markaa haddii uu kheyr leeyahay anigaa u tegi lahaa oo UDUB geli lahaa."

Dadka kale ee fagaarayaasha ka hadlay waxa ka mid ahaa Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi iyo Canab Cumar Ileeye, oo hore uga mid ahaa hogaamiyayaashii ururkii HORMOOD ee la bahoobay KULMIYE.

Dhinaca kalena masuuliyiinta maamulada iyo hogaamiyayaasha bulshada qaarkood ayaa weftiga KULMIYE meelahaa ku soo dhaweynayey, iyagoo dhinaca kalena hadalo ka jeedinayey fagaarayaasha ay dadweynuhu isugu soo baxayeen, waxaana dadkii meelahaa ka hadlay ka mid ahaa Khadra X. Gaydh oo ka hadashay fagaaraha Allaybadey iyada oo ay Khadra tahay gabadha kaliya ee ku soo baxday golaha deegaanka Gebiley kana soo baxday xisbiga KULMIYE.

Weftiga waxay socdaalo kuwaa la mid ah ku galaa bixin doonaan deegaamada hawdka Hargeysa sida Balli-Gubadle, Salaxley iyo meelo kale, iyada oo taasi ka mid tahay Ololaha doorashada madaxtinimada oo uu xisbiga KULMIYE si weyn isugu diyaarinayo.

Top


Jilbo-Dhiig

Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale : 10aad 

Biixi markii uu soo gaadhay jiidihii reerkooda loogu tilmaamay waxay ahayd xili ay arladu doog tahay, taas oo ay dhulka ku hoortay hogoshii gu’gu, sidaa darteed waxay Biixi ishiisu ku dhacday kobo iyo kaymo barwaaqo ah oo ay geeduhu hawreen, iyadoo sidii ay caadada barwaaqadu ahaan jirtay ay banaanada iyo kaymaha doogga \leh dhex-mushaaxayaan noocyo ugaadha ka mid ah iyo shimbaraha quruxda leh qaarkood, sida; Deerada, Cawsha, Garanuugta, Biciidka ioy noocyo kale, dhinaca shimbirahana waxa ka mid ahaa bahalka Salamadhlaha la yidhaahdo, Guuguulaha ioy noocyo kale, muuqaaladaasina waxay Biixi dib u xusuusiyeen bii’addii iyo cimiladii nololeed ee miyiga, hase yeeshee Biixi waxa intaa u sii dheeraa xusuusta kobihii ioy dhudhubihii uu maqasha ku raaci jiray yaraantiisii, laakiin Biixi wuxuu soo socdaba markii uu soo gaadhay jiiddii reerkooda loogu tilmaamay waxa uu yimi guryihii oo madhan oo laga guuray, laakiin uu raadkii qoyan yahay, sidaa darteed wuxuu jabbadkii reerkooda loogu soo tilmaamay isa soo taagay iyadoo uu dambas ka qiiqayo iyo guryihii kale ee ooshu taalayba, laakiin Biixi waxa uu dareemay inaanu geediga reeruhu ahayn mid caadi ah ee uu jiro dareen colaadeed, taasina waxay Biixi dareenkiisa ku abuurtay baqdin iyo werwer hor leh, ka dib markii uu si fiican u fahmay in meesha colaadi ka dhacday, wuxuuse dareenka Biixi sii walaaqmay, ka dib markii uu isa soo dul-taagay nin mayd ah oo uu raadkiisu qoyan yahay, taas oo ay muuqato inaan waqti fog-ba la dillin ee ugu fogaan gelinkii hore ee isla maalintaa la dilay,ninkaasna waxa qudha lagaga jaray bir afleh, sidaa darteed Biixi markii uu isha ku dhuftay maydka meesha yaal, isla markaana ay u cadaatay inuu gacan dad ku dhintay ayey naxdin daraadeed xaaddu istaagtay, taas oo maqaarka sare ee jidhkiisa uu mar-ba lakab ka kacay.

Ninkii Biixi talo aduun way ku cadaatay, wuu baalladaymooday, isla markaana wuu dhaqaaq-joogsaday, wuxuuna la sheekaystay naftiisa, waxaana ka mid ahaa weedhihii uu hoos ugu xanshaashaqayey "Tolow ma Amxaaradii baa reeraha gebagebaysay oo xalay mirtay, mise col kalaa galay", waayo xiligaa waxay ahayd xiliyadii ay colaadda Somalida iyo Itoobiyaanku had iyo goor taagnaan jirtay.

Biixi waxa uu baaladaymoodaba gabalkii ayaa u dhacay, isaga oo aan weli wax cid ah helin, isla markaana jiidda gabalku ugu dhacay waxay ahayd aagag lagu yaqaan bahalaha dad-qaadka ah, sidaa darteed Biixi cabsida colaadda ka sokow waxa u sii dheeraa baqdinya habar-dugaagga, sida Libaaxa, shabeelka, Yeyda IWM. Laakiin markii uu waxoogaa fiid-guday ee uu indoor ah socday, isaga oo aad u sanqadh-tiranaya, isla markaana mar-ba meel juuq-dhegaysanaya, taas oo uu ka taxaderayo inuu col afka uga galo, laakiin wuxuu socdaba goor ay weli fiid-horaad tahay oo aanu shaacu aad u madoobaan ayuu isha ku dhuftay dab meel ka bidhaamaya, ka dibna dabkii ayuu isha la raacay, isla markaana dhinicii uu dabku uga muuqday ayuu afka saaray, dabadeedna wuxuu soo socdaba markii uu ku soo dhowaaday meeshii dabku ka baxayey ayaa isaga oo aad wax u sanqadh-dhegaysanaya, markii uu meeshii aad ugu soo dhowaa waxa uu maqlay hugun ioy sawaxan dad oo meesha ka baxaya, ka dibna markii uu cabaar juuq-dhegaystay ayuu gartay in meesha col fadhiyo, balse intaa kuma joogsane wuu sii socday oo dhinicii colka ayuu aad ugu dhowaaday, dabadeedna geed weyn oo ku yaal meel halka colku fadhiyo inyar u jirta ayuu Biixi dhinaca colka xigta mooyee dhinaca kale ka kadaloobsaday, balse markii uu kadaloobsaday ayuu arkay nin dhinaca kale geedka ka taagan, ninkaas oo ah ninka gaadhka ama korjoogaha colka u ah, dabadeedna Biixi inta uu qunyar soo dhukusay ayuu ninkii xagga dambe kaga yimi, ka dibna budh Madaxa u buurran, isla markaana qaro leh oo uu faraha ku sitay ayuu Biixi inta uu labadiisa gacmood ka buuxsaday mergiga kala eegtay, dabadeedna ninkii gaadhka ahaa markii uu budhkii halleelay ayaa iyadoo aanay wax hadal ahi ka soo bixin sidii wax gagabay dhulka is-geylaamiyey, laakiin Biixi ninkii isa soo dul-taagay ayuu tuurta u ritay, isaga oo is leh wuu ninku wuu yara gagabsan yahay ee inta aad halkeer la tagto warayso...

La soco cadadka dambe.

Top


Garta xeer-beegti Iyo xeerarka somalida

Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub _______Q: 10aad

Weli waxaynu ku jirnaa gar dad-ban oo ah gar noocyo dhawr ah u qaybsanta, waxa tusaalayaasheeda ka mid ah, nin baa waxa uu ka af-roonaaday (Ka aftahamaysnaaday) niman kale oo ay isku mijlis yihiin, dabadeedna waa loo faqaya oo waxa la yidhi yaanu jaanis heline waxaynu odhanaynaa hebel baa gudoomiye ah, arintii baa ninkii loo sheegay, ka dibna wuxuu yidhi "Maxaynu ku falaynaa gudoomiyaha", dabadeedna waxa lagu yidhi "Gudoomiyuhu hadalka saxa ah wuu sii daynayaa, hadalka qaladka ahna wuu inaga joojinayaa’, ka dibna ilayn waa tii la yidhi "waayeel hadalkiisa kaftan ayuu ku dhamaystaaye", markaa ninkii baa ku jawaabay "Oo hebel muxuu ka kala garanayaa hadalka saxan iyo hadalka sirgacan", hadana waxa lagu yidhi wuu kala garanayaa, dabadeedna intaa kagama hadhine wuxuu hadana yidhi "Bal ma tijaabiyaa inuu garanayo ioy inkale", waxa la yidhi "Haa", ka dibna ninkii isaga oo tijaabadii wada ayuu yidhi "Waa baanu anaga oo col badan ah duulay, markii aanu jidka maraynay ayey laba nin oo colkayaga ka mid ahi is-dishay, dabadeedna mid baa inta uu bahal nabar ah la soo tiigsaday kii kale gaadhsiiyey dhaawac jaa’ifo ah, dabadeedna geed baanu jiifinay, colkii naga soo horjeedayna wuu nagu dhow yahay, ka dibna ninkii dhaawaca ahaa isaga oo halkiisii jiifa ayey labadii col is-galeen oo ay sanqadhu yeedhay, dabadeedna ileyn lexajecladu waa shay sun ahe ninkii dhaawaca ahaa inta uu soo kacay oo uu kaga dhigay Caydhi ma bukooto ayuu is yidhi "oo hadaadan colka la socon ma cid baa geela la soo qaado wax kaa siinaysa", dabadeedna inta uu Maya isugu jawaabay ayuu soo hadaafay oo halkii ay xabadu ka dhacaysay ee weerarku ka socday yimi, halkaas oo uu dagaalkii wax ka galay, laakiin xabad baa ku dhacday, wuuna dhaawacmay, ka dibna waanu soo qaadnay oo aanu dhaawiciisii guryo keenay, isla markaana geelii la soo qaaday saamigiisii ayuu qaatay, laakiin wuxuu u dhintay dhaawicii, markaa waxaan ku waydiiyey ninkaa magtiisu waa imisa ?", dabadeedna ninkii gudoomiyaha lagu sheegayey ayaa yidhi "Dee waa 100 halaad", hadana ninkii wax xujaynayey ayaa yidhi markhaati ka ahaada inuu boqol ku sheegay", waxay yidhaahdeen "hadii aanay boqol ahayn hadaa waa imisa", wuxuuna yidhi "Xabbadda ninka ku dhacday guluf dagaal bay ku gaadhay oo cid ku dhufatay lama garanayo, markaa magta ninkaasi waa dubaaqadii inaadeerkii ku dhuftay", markaa arintii sidaas ayey noqotay, ninkiina sidaa ayuu gudoomiyenimadii ku waayey, iyadoo ay arinta dhex ka ahaayeen nimankii gudoomiyaha u doortay.

Tusaale kale hadii aynu soo qaadano, waxa jiray nin reer Berbera ah, isla markaana ku dhashay magaalada Burco, ninkaas oo la odhan jiray Ina kulunbe oo ahaa nin xikmado badan ka tegay, sida xikmadda ah "Heesta geelu way kala horaysaa", dabadeed Inakulunbe ayaa mar walba lagu yidhaahdaa "Ileyn inagu ragna ma nihine raggi rag ahaa Burco ayuu jiraa", dabadeedna markii hadalkaa laga dayn waayey ayuu ninkii Inakulunbe kharash badan soo qaatay, wuxuuna tegay ama yimi Burco, ka dibna wuxuu yidhi "Meel merfesha ah I geeya", waa la geeyey, mise sheeko kale laguma hayee intii ay qolada reer Berbera ku sheekaysan jirtay ayuun baa halkana lagu hayaa, dabadeedna markii uu ilaa afar merfesh tegay ee ay sheekadu isku wada mid uun noqotay ayuu maalintii dambe meerfesha ay rag badan oo xikmad lagu tuhmayey fadhiyaan ka yidhi "Waar niman yahow waxa nalagu wareeriyey raggii rag ahaa Burco ayuu jiraa, ka dibna markii aan idin eegay aniga ilama ihidin niman laba waxarood kala saaraya, dabadeedna raggii meesha fadhiyey way xanaaqeen oo waxay ku yidhaahdeen "Miyaadan nin rag ah ahayn maxaad sidaa noo leedahay", ka dibna wuxuu ku yidhi "Waar bal is-qaboojiya hadayba laba waxarood is hayaane, markaas dhaqanka waynu wada naqaanaaye riyaha da’xilada dhalaa ceesaanta ugub ee ugu danbeed dhasha ee Orgiga ku curata waa laga gawracaa, laakiin ceesaantaasi hadda way mataanaysay oo laba Orgi ayey dhashay,dabadeedna waxa loo baahday in labadii Orgi mid la gawrco, laakiin labadii Orgi ayaa wada dacwiyey, dabadeedna labadii Orgi kii soo dhacay ayaa yidhi anigu ma ihi kii u dambeeyey ee ceesaantu dhashay oo kan ayaa iga dambeeyey ee isaga hala gawraco, Orgigii kale ayaa isna dacwiyey oo yidhi anigu ma ihi kii ay ceesaantu ugubi ku curatay ee waa ka iga hor-dhashay ee isaga hala gawraco", markaa sheekada ha u arkina laba waxar ee meesha geeri ayaa taala’e kala saara labada waxar ee kee baa la gawracayaa, ka dibna qaylada iyo buuqa ayaa cirka isku shareertay, qoloba mid bay tidhi waa la gawracayaa, halkaas ayey isku khilaafeen oo ay qoloba mid tidhi kaasaa la gawrcayaa iyo kaasaa la gawrcayaa, markaas ayuu ninkii Inakulunbe yidhi "Maxaan idiin sheegayey"...

La soco cadadka dambe.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 – 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 109 aad

Mingistu: Ka hor intii aanay bilaabmin ubixii kacaanka iyo dhaqdhaqaaqyadii bishii Abril socday kulamadii aanu yeelan jirnay ee faraha badnaa ee aanu ka wada tashan jirnay danaha dalkayaga janaraal Amaane wuxuu nagu odhan jiray " Qoladan Saxaruhu (Jabhadda) runtii inay dhulkooda goostaan ma ah damacoodu, laakiin waxay diidan yihiin maamul-xumada hadda dalka ka jirta (maamulka dhergiga), markaa hadii aad idinku dhaqdhaqaaqyo muujisaan oo aad dalka isbedel ku samaysaan ma jirto haba yaraatee waxay ku diidan yihiin inay la saftaan maamulka cusub, ta kale sida aad ogtihiin anigu (Janaraal Amaane) waxaan ahay nin u dhashay Ereteriya, sidaa darteed aqoonta aan u leeyahay dalka iyo dadka Ereteriya ka sokow dalka hubka siiya ee dhufayskana u ah ee Suudaan aniga waa hoygayga labaad ee aan leeyahay, waayo waqtigii uu faashiistihii Talyaanigu na soo weeraray aniga oo qaxooti ah ayaan deganaa dalka Suudaan, halkaas ayaana ku koray, isla markaana aan wax ku soo bartay, luuqadda carabigana dalkaas ayaan ku soo bartay, waqtigaasna nimankii aanu asxaabta ahayn ee reer Suudaan maanta waxay ka mid yihiin nimanka xilalka sare ka haya maamulka Suudaan oo run ahaantii ah nimanka maanta dalka Suudaan u taliya, taas darteed xidhiidhka aanu nimankaa leenahay hadii aynu wax iska waydiino arimaha Ereteriya nimankaasi wax xumaan ah oo ay inala doonayaan ma jirto, markaa arintaa iyada ah anigu daaya, oo wax ka qabashadeeda igu haleeya", sidaas ayuu janaraal Amaane nagu odhan jiray oo uu niyadda noogu dhisi jiray, hadaladiisaana waxaan saaxiibaday u sheegay markii uu aasaasmay golaha dhergigu. Sidaa awgeed janaraal Amaane khibraddiisa ciidan-nimo ioy kartadiisa shakhsiga ah iyo weliba jacaylka uu u hayn jiray dalkiisa awgeed ayaanu ugu dooranay gudoomiyaha, isla markaana janaraal Amaane waxaanu runtii ku dooranay mawqifkiisa shakhsinimo iyo akhlaaq wanaagiisa, laakiin umaanu doorran sabab la xidhiidha kililka uu ka soo jeedo iyo qabiilka uu yahay, taasi may ahayn mid aanu iswaydiinay, isla markaana waxyaalaha caynkaas ahi may ahayn waxyaalo aanu u baahanahay, waqtigaana may su’aal Itoobiya gudaheeda la iswaydiiyo. Waayo waqtigaa waxyaalaha welwelka nagu hayey waxa ka mid ahaa ciidamadii cadawga Somaliya oo inay weeraro nagu soo qaadaan diyaar u ahaa iyo cadawyadii kale ee aanu lahayn, waqtigaas oo ciidamada cadawgu hadii ay weeraro nagu soo qaadaan dhibaatada ka iman karta aanu maskaxda ku haynay sidii aanu uga hortegi lahayn, iyadoo uu welwelka na hayey ahaa maadaama ay awoodda ciimadayadu ay xiligaa kala daadsanayd , taasna ay ugu wacnayd iyadoo ay wixii janaraal ahaa ay xidhnaayeen waqtigaa. Sidaa darteed janaraal Amaane waxaanu doonaynay inaanu gaashaan-dhigga dalka dib u habeeyo, isla markaana uu hogaamiyo, sidoo kale waxaanu doonaynay inuu qadiyadda Ereteriya wax ka qabto oo uu xalkeeda helo...

La soco cadadka dambe. 

Top


Golaha Wakiilada Oo Gudo-Galay Dooda Xeerka Doorashada Xubnaha Golaha Guurtida

Hargeysa (Haatuf): Guddi hoosaadka arimaha shuruucda golaha wakiilada ayaa shalay xeerka doorashada golaha Guurtida dib ugu soo celiyey madasha fadhiga, ka dib markii ay wax ku kordhin iyo wax ka bedel ku sameeyeen nuqul xeerkaas ah oo uu hore madaxweyne Rayaale ugu soo gud-biyey golaha wakiilada.

Gudoomiyaha guddiga arimaha shuruucda golaha wakiilada, Faysal Axmed Maxamed ayaa waxoogaa tafaasiil ah madasha dhexdeeda kaga bixiyey xeerka doorashada xubnaha golaha Guurtida oo ay goluhu ka doodi doonaan fadhiyada soo socda, iyadoo nuqulka qabyada ah ee ay guddi hoosaadka shuruucdu soo hordhigeen golaha ka kooban yahay ilaa 20 qoddob.

Sida uu dhigayo qoraalka xeerka doorashada golaha Guurtida waxay xubnaha golaha guurtidu ka koobnaan doonaan 82 xubnood, iyaoo uu tirada caynkaas tilmaamayo qoddobka 60aad ee distoorka Somaliland, isla markaana wuxuu xeerkani leeyahay xubnaha golaha Guurtida waxa lagu soo dooranayaa hab la yidhaahdo "Habka doorashada dad-ban oo ah xulasho", isla markaana xulista xubnaha golaha Guurtida waxa lagu salaynayaa saamiyada degaamada uu golaha Guurtida ee hadda jiraa ka kooban yahay, iyadoo degaan walba laga soo xulanayo xubnihiisa.

"Ma banana in xubin-nimada golaha Guurtida loo sharaxo xubin ka tirsan axsaabta Qaranka ama xil u haysa, sida: Guddi fulineed, gole dhexe, guddi gobol, degmo ama laan"ayuu leeyahay xeerkani. Laakiin waxa uu intaa ku darayaa "Xubnaha golaha Guurtida waxa soo xulaya guddi qaran oo ka kooban 7 xubnood oo madaxweynuhu magacaabay, waxaana xubnahaa marka madaxweynuhu soo magacaabo cod hal-dheeri ah ku ansixinaya golaha wakiilada".

Top


Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Wasiiru-Dawlaha Hawlaha Guud

Hargeysa (Haatuf): Wasiiru-dawlaha wasaaradda hawlaha guud iyo guriyeynta ee dawladda Somaliland, Aadan Maxamed Diiriye ayay shalay mudanayaasha golaha wakiiladu cod aqlabiyada ah ku ansixiyeen, iyadoo wasiiru-dawlaha hawlaha guud dhowaan soo magacaabay madaxweyne Daahir Rayaale, laakiin wasiiru-dawlaha intii aan loo codayn waxa madasha laga akhriyey taxihiisii waxbarasho iyo sooyaalkiisii shaqo.

Top


Casharada Nolosha

Qormadii 6aad

Waxa jira dad badan oo u haysta inay dunida gamcahooda ku bedelayaan waana miday ku riyoodaan kuwa aaminsan inay gacmahooda ku bedeli karaan dunida, hase yeeshee dadka noocaas ahi waa kuwo ku nool riyo iyo hawo beena, waxayna naftooda u sheegeen wax aanay kari Karin, mana aha kuwo si cilmiyaysan oo caafimaad qabta u fekera, balse waa kuwo ay ka buuxdo been iyo caadifadi. Dadka fekerkoodu yahay riyadaasi waa kuwo aan fahansanayn casharada nolosha, isla markaana ka indha qarsanaya waxyaabaha waaqiciga ah ee ay ina barayaan casharada nolosha ee aynu maalin kasta qaadano, dadkaasi waa kuwa aan ku guuleysan inay gaadhaan wax guulo ah oo la taaban karo waayo waxay naftooda geliyeen riyo been ah oo aan marnaba suurta gelayn, waxayna ku dambeeyaan murugo iyo cidhiidhi ay la kulanto naftoodu iyagoo isku qoomameeya sida dhabta ah ee aanay uga faa’iidaysan duruusta iyo casharadii hore usoo maray, balse ay naftooda ku canaantaan sida ay u dayaceen fursadii iyo waayihii nolosha ee ay lumiyeen sannado ka hor.

Xaqiiqooyinka arrinta waxaynu ka dheehan karaa xigmada soomaaliyeed ee tidhaahda, "Ninka aan labaatan jirka ku ordini lixdan jirkuu ku ordaa." Macnaha laga dhadhansan karo ereyadan ayaa waxay iftiiminayaan in uu qofku marka uu yaryahay ka faa’iidaysto sidii uu mustaqbal u yeelan lahaa ee uu ugu fekeri lahaa in uu u hawlgalo halganka nolosha ee lama huraanka ah, kaasoo u baahan in loo badheedho waxkasta oo ka hor yimaada ujeedooyinka iyo himilooyinka halganka, haseyeeshee taas macnaheedu maaha inaynu nolosha u raadino si xoog-xoog ah, balse waa inaynu ka faa’iidaysano dhacdooyinka, casharada iyo imtixaanka maalin walba dunida ka dhacay, oo aynu ka dareemi karno dadka iyo deegaamada inagu harreeraysan oo aynu si taxadir leh uga shidaal qaadano, waxaynu arkaynaa maalin kasta iyo saacad kasta, ama waqti kasta waxaynu dareemaynaa waxyaabo aynu jecelnahay oo aynu ku faraxno iyo waxaynu necebnahay oo aynu diidayno. Markaa waa inaynaan u qaadan haddii aynu faraxsanahay inay dadka oo dhami faraxsan yihiin, sidoo kale haddii aynu aragno waxaynu necebnahay oo aynaan farxayn inay dadka oo dhami sidaa yihiin oo ay taas inala qabaan. 

Sidaas oo kale ayey nolosha iyo waayaha dunidu u kala duwan yihiin, ogow markasta oo aad faraxdo inay jirtay maalin aanad faraxsanayn oo ay noloshaada ka mid ahayd, ama ay ka mid noqon doonto. Sidoo kale markasta oo aad dareento cidhiidhi iyo waxyaabo aanad jecleyn oo kaa cadhaysiiya inay jireen maalmo aad faraxsanayd oo ku soo maray noloshaada, ama ku soo mari doona, marka aad is barbar dhigto waxyaabaha kala gedisan ee ay la kulmaan aadamuhu inta ay ku gudo jiraan marxaladaha kala gedisan ee nolosha, waxaad dareemi kartaa haddii aad adiguba dib u jaleecdo maalmihii kala duwanaa ee noloshaada, waxaad ogaanaysaa inay jireen maalmo wejiyo badan lahaa oo u qaybsanaa farxad iyo murgo, laakiin waa inaad is weydiiso sida aad uga badbaaday maalmihii walbahaarka, ama aad soo martay maalmo aad faraxsanayd, waana sababta aynu tusaalaha ugu soo qaadanay ayaamihii kala duwanaa ee aynu soo aragnay iyo sida aynu uga soo dabaalanay waqtiyadii adkaa. Laakiin maaha inaynu nafteena diiqad ku gelino waxa aynu dareemayno oo ay taasi inagu abuurto feker farabadan oo ku baaha nafteena, ka dibna dhaliya murugo iyo ciil kugu beera walbahaar, werwer iyo culays aanay naftaadu qaadi Karin. 

Haddii aynu taa samayno waxaynu dhibaato u gaysanay nafteena. Xusuusnow inaad soo martay maalmo adag iyo maalmo wanaagsan oo aad kuwan uga dabaalan karto sida aad uga soo dabaalatay kuwaa hore, waana inay jirtaa cid aad ku aamini karto waxa aad ka cabanayso, haddii aanad markaa xalkeeda haynin, laakiin cid walba kuma aamini karno sirteena iyo talooyinkeena ee waa inaynoqdaan dad aynu ku kalsoonahay oo aan cid kale u gudbinayn marka aynu u bandhigno mushkiladeheena. Sida ay caddeeyeen khubarada Cilmi nafsigu, qofku marka uu dareemayo mushkilad halis ku ah naftiisa oo aanu xalkeeda hayn, haddii uu ku qanacsan yahay cida uu u soo bandhigayo cabashada waxyaabaha uu dareemayo inay taasi wax weyn ka tarayso mushkiladaha haysta, oo uu marba marka ka dambeysa ka degayo culayskii saaraa, laakiin waa inuu dareemaa kalsooni uu u muujinayo qofka uu soo hordhigay mushkiladihiisa, waana dawada qudha ee burburisa werwerka iyo walbahaarka ay keenaan waxyaabaha aynu ka fekeraynaa ee aynu ku mashquulineyno nafteena, hase yeeshee si aynu uga badbaadno dhibaatada walbahaarka, waa inaynaan isku hawlin wax kasta oo inoo kaxaynaya xaga walbahaarka iyo werwerka, waa inaynu isku dayno inaynu dejino neerfayaasha kacsan, si aynu uga badbaadno dhibaatada ay keenaan ee waxyeeli karta mustaqbalka nolosheena oo dhan iyo guud ahaanba xaaladeena caafimaad.

Top