Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 297 March 29, 2003

Dugsiga sare ee F. Omar oo kasoo labtay booqasho uu ü Ku tagay gobolada Saaxil iyo Togdheer

Xisbiga UCID Oo 7 Booyadood Oo Biyo Ah U Diray Tuulooyin Ka Tirsan Salaxley

Irmaanta Suugaanta

Garab Ka Mid Ah Ururka HORMOOD Oo La Midoobay Xisbiga UDUB

Xeerka Doorashooyinka

Xoghayaha Difaaca UCID Oo Ka Noqday Is-Casilaadii

Odhaahda Akhristaha Talo Soo Jeedin

Badhasaabka cusub ee Burco oo xilka la wareegay

Ururo dhalinyaro oo ku biiray KULMIYE

Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga Qaybta: 111

Garta xeer-beegtiQaybtii: 12

Jilbo dhiig Qaybtii: 12 aad

Garab HORMOOD ah la midoobay UDUB


Dugsiga sare ee F. Omar oo kasoo labtay booqasho uu ü Ku tagay gobolada Saaxil iyo Togdheer

Dugsiga sare ee faarax omar oo kamid ah dugsiyada ugu caansan dalka S/land ayaa dhawaan ugu kictimay aqoon iswaydaarsi gobolada Saaxil iyo Togdheer kaas oo uu ku qaada dhigayay iskuulku heerka oqooned ee ardayda wax ka barata hadaba war bixin kooban oo uu ka diyaariyay Maxamed Cabdi Sheekh oo ka mid ahaa ardayda Faarax Oomaar oo booqatay Burco iyo Berbera ayaa ku eegaya booqashadii iyo heerkii ardayda waxaanu ka bilaabay booqashadan oo ahayd tii saddexaad ee ay ku tagaan gobolada bari dugsiga f omar ayaa waxa ardayda kusoo dhaweeyay halkaa maamulka magaalada burco iyo walba duqa magaalada Burco Sidaa daraadeed ayay ardayda dugsiga f omar waxa is wajeheen aqoontii dugsiga u dhigma ee la yidhaahdo Sh Bashiir kaas oo ay wada yesheen kadis dhinaca waxbarashada ah kaas oo ay labada iskuul isku mari waayen barbar dhac oo aanu midina guul lahayn.

Dhinaca kalana waxay labada iskuul wada yesheen ciyaar ku tirsan dhinaca kubada Cagta Oo ay ku yasheen garoonka burco studiam hadaba munaasibada kubada oo ku beegnayd Maalintii biyaha aduunka ayaa waxa kasoo qayb galay duqa magaalada burco isaga oo halkaa kasoo jeediyay hadal koobana waxa uu ardayda u rajeeyay inay dadaalkooda muujiyaan waxbarashadana ku dadaalan dalkoodana wax uqabtaan mustaqbalka dhaw. Hadaba intaa kadib ayaa waxa halkaa ka bilaabmay ciyaartii taas oo dadwayne badani kasoo qayb galay hadaba ciyaartu waxa ku bilaabmatay weerar iyo weerar celis intaa kadibna waxa ciyaarta gool dhashatay kooxda ku ciyaaraysay magaca burco goolkaas Oo soo gaba gabeeyay ciyaartii guushuna ku raacday kooxda Burco. Intaa kadib waxay ardayda dugsiga F Omar u mahad celinaysaa dhamaan maamulda golka maayarka iyo xidhiidhka ku bada cagtaba iyo waliba intii kala qayb gashay fududaynta hawshani dhinaca kalana waxay kooxda kubada cagtu u mahad celinayaan Gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta ee Burco Aadan Caydiid.

Top


Xisbiga UCID Oo 7 Booyadood Oo Biyo Ah U Diray Tuulooyin Ka Tirsan Salaxley

Hargeysa (Haatuf) Xisbiga UCID ayaa sheegay inuu 7 booyadood oo biyo ah ugu deeqay qaar ka mid ah tuulooyinkka degmada Sallaxley ee koonfurta Hargeysa, warsaxaafadeed uu soo saaray xisbiga UCID oo uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo ah musharaxa u tartamaya jagada madaxweynaha ee xisbiga UCID oo lagu sheegay kaalmadaa, waxa kaloo uu kaga dalbay xisbiyada kale iyo xukuumadda inay u gurmadaan dadka tabaalaysan ee biyo la'aantu haysato. Wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u qornaa sidan:-

"Iyadoo uu xisbiga Daryeelka iyo Caddaaladu tixgelinayo dhibaatadda dadweynaha reer Somaliland ka haysata biyo la'aanta iyo jiilaalka daba dheeraaday, isaga oo u dhaba-galay xisbigu, soona sahamiyey baaxadda ay leegtahay biyo la'aantu iyo meelaha ugu sii dardaran. Isaga oo og xisbigu inaanay xukuumaddu ka qaadin wax tallaabo ah, oo ay ugu gurmanayso dadkaasi dhibaatadu ka soo gaadhay biyo la'aanta, ayuu xisbiga UCID si gurmasho ku jirto, intii taagtiisa ah, wuxuu 7 booyadood u diray kaalmo biyo ah tuulooyin ka mid ah degmada Sallaxley, kuwaasi oo kala ah Uubaale, Toon, Qoolcaday iyo Reydabka. Waxaa Xisbiga Daryeelka iyo Caddaaladdu ku dhiiri gelinayaa xukuumadda, xisbiyada kale ee qaran iyo tijaarta Somaliland inay u gurmadaan dadka tabaalaysan ee biyo la'aanta u lee'anaya ee dhibaatadu ka soo gaadhay jiilaalka inagu daba dheeraaday."

Top


Irmaanta Suugaanta

Taariikhdii Barkhad Cas

Taariikhdii Abwaankii weynaa ee Maxamed Xaaji Ismaciil Maxamuud [Barkhad Cas] waxaanu ka soo xiganay shabakada lagu kaydiyo suugaanta Somaliland ee Shunuuf. Tripod.com Biixi Suufi Abokor oo ay saaxiib ahaayeen marxuum Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Barkhad Cas), kana mid ahaa raggii xogogaalka u ahaa ayaa isaga oo ka waramaya taariikh nololeedkii iyo maansooyinkii abwaanka wuxu yidhi: "Run ahaantii xilligan adag ee aynu ku jirno maan jeclayn in aan soo hadal qaado taariikhdii dhowrsanayd ee marxuum abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud oo ku magac dheeraa Barkhad-cas), balse waxaa igu keliftay oo aan qaadi waayey markii rag ka mid ah saaxiibadii reer Cadmeedka ee waayo-waayo oo xogogaal u ahaa in aan wax ka hayo taariikhdii iyo maansooyinkii abwaanka ee waayihii Cadan". 

Biixi Suufi isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: 

"Aniga oo si gaar ah ugu mahadnaqaya raggii hore dedaalka u muujiyey ee sida niyad-samida ah wax uga xusay maansooyinkii marxuum Barkhad-cas ee wakhtigii dalka Cadan aniguna haddii aan wax hagrado halay hadho," isagoo ku bilaabay sidan: "Taariikh Nololeedkii Marxuum Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Barkhad Cas) iyo maansooyinkiisii qaar ka mid ah ee magaalada Cadan laga soo bilaabo sannadkii 1953kii ilaa 1958kii oo aanu isku mafras ahaan jiray, iyo mar labaad taariikhdiisii dalka Somaliland ee 1958 ilaa 1963kii. 

"Aniga iyo marxuumku xilligaanu isbaranay waxaan ahaa Booliska Cadmeed waxaanan ka shaqayn jiray xaafadda Sheekh Cusmaan badiba marxuumkaaxaanu lahaan jiray sheeko wadaag r ahaan xilliga qayilaada oo aanu iskumafras ahaan jiray xaafadaha Sheekh Cusmaan iyo Daara Sacad ee magaaladaadan. Biixi isaga oo sifaynaya abwaanka wuxuu yidhi:- "Waxaan ahaa ka qudhae murtidiisa Marxuumku inkasta oo uu ahaa ragga kaftanka badan iyo weliba reer magaalkada ka xanaaqa intaa aanu wada joognay marnaba da'diisa maansu'aalinaftanba ha ahaatee waxaan se hadda ku qiyaasi karaa in ay xilligaa da'diisuhayd ilaa 35-40 jir. Midabkiisu wuxuu ahaa casaan aad u qorqoran. Wuxuu lahaa timo madow oo aad u jilicsan (timo Hindi), dhererkiisu qiyaasa nuxuu ahaa 1-70. Wuxuu lahaa golxo yar oo aan wax u dhimayn joogiisa iyo muuqaalkiisa midnaba. Labada foole sare wuxuu ku lahaa dabar cas oo laba liid ah, oo markuu qoslaayo aad loo jeclaysto." Biixi waxa uu intaa ku ladhay oo yidhi: "Marxuumku wuxuu ahaa nin bulshaawi ah oo meesha uu fadhiyo lagu soo xoomo, waxaanu hadalkiisa raacin jiray kaftan, qosol dhoola caddeyna iyo weji furan oo reer magaalnimo."dhinaca suuta isaga oo faahfaahin ka bixinaya waayihii Barkhad-cas waxau yidhi: "Marxuumku wuxuu ahaa abwaan hal abuurka maansooyinka Ilaahay u siiyay deeq iyo hibo gaar ah, waxaanu kuba haasaawi jiray eray bixinta maansada isaga oo ragga meel la fadhiya ay caado u ahayd in uu midba mid h kaftan ah ku tuuro.

Marxuumka Ilaahay ha u naxariistee wuxuu lahaa shakhsiyad naadir ah oo dulqaad iyo dabeecad sami ku aroorta, waxaanse aad uga xumahay taswiirtiisii oo aanan maanta gacanta ku haynin. Dhinaca tacliinta wuxuu si fiican ugu wanaagsanaa Carabiga af iyo qoraalba, waxaanu ahaa nin jecel waddankiisa iyo gaar ahaan Hargeysa oo uu mar walba afka ku hayn jiray. "Qaybta labaad ee taariikhdiisa Cadan oo ku saabsan Gabadhii Maandariiniyo Marxuum Barkhad-cas. 

Biixi Suufi isaga oo ka sheekaynaya gabadha Maandariin iyo abwaanka waxa uu ku bilaabay: "Gabadhan uu isagu ku magacaabay Maandariin (waa liinta cas ee macaane) waxay ahayd gabadh u dhalatay reer Somaliland waxaanay ka shaqayn jirtay bakhaar uu nin Carbeed lahaa oo beeyada lagu hufi jiray kuna yaallay magaalada Cadan weyn abwaankuna wuxuu gabadha la jeclaaday in uu guursado wiil kufkeeda oo ka furta shaqadan culus ee hufida beeyada iwm. Sideedaba dhallinyartii waagaa jiray waxa guud ahaan caado iyo dhaqan wanaag u ahaa in ay gabdhaha amaanaan caydooduna way ka reebanayd sidaa awgeed gabadha wuxuu u curiyay maanso amaan ah oo uu ku shaaciyay Cadan iyo magaalooyinka kulaalaya ee Khaliijka.

Top


Garab Ka Mid Ah Ururka HORMOOD Oo La Midoobay Xisbiga UDUB

"Waaxaan Is-nidhi UDUB Way Fasaqantaye Idinkuna Fasaqa"

Hargeysa (Haatuf): Qayb ka mid ah ururkii HORMOOD oo ka mid ahaa saddexdii urur ee ku hadhay doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaa shalay la midoobay xisbiga UDUB, waxaana midowgaa lagaga dhawaaqay xaflad balaadhan ooo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa, iyadoo ay qaybo kale oo Hormood ahi hore ugu biireen xisbiga KULMIYE.

Xafladdaa oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb madaxweyne-kuxigeenka Somaliland, ahna gudoomiye-kuxigeenka xisbiga UDUB iyo weliba musharaxa madaxweynekuxigeenka, Axmed Yuusuf Yaasiin, xubno ka mid ah golaha wasiirada, madax ka kala tirsan labada dhinac ee midoobay, iyadoo si weyn loo soo camiray hoolka shirku ka dhacay, waxaana halkaa hadalo munaasibadda midowga la xidhiidha ka jeediyey masuuliyiin labada dhinac ka tirsan.

Dhinaca UDUB masuuliyiinta ka soo qayb gashay madaxweynekuxigeenka marka laga yimaado waxa ka soo qayb galay xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, Ismaaciil Bulaale, afhayeenka UDUB, Axmed Xaashi, gudoomiyaha UDUB ee gobolka Hargeysa, C/raxmaan Cadami iyo xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirka daakhiliga, Ismaaciil Aadan Cismaan, wasiirka warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale, wasiirudawlaha arimaha debedda, mudane Qaasim iyo qaar kale. Sidoo kale dhinaca HORMOOD-na ragga masuuliyiinta ah waxa ka mid ahaa Mahdi Ibraahin Khayre oo gudoomiyekuxigeen ka ahaa ururkii HORMOOD, Xasan Xaydh, Axmed Sandoon iyo xubno kale.

"Markii ugu horaysay ee ururada siyaasadda lagu dhawaaqay waxay tiradoodu gaadhay ilaa sagaal urur, laakii doorashooyinkii degaanka waxa ku soo baxay saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iYO UCID",sidaa waxa yidhi gudoomiyaha UDUB ee gobolka Hargeysa, C/raxmaan Cadami oo munaasibadaa ka hadlay, wuxuuna intaa ku daray inay taasi keentay inay ururadii hadhay ku kala biiraan xisbiyada soo baxay. C/raxmaan Cadami waxa kale oo uu soo jeediyey in la sameeyo guddi ka shaqaysa ama ilaalisa inay axsaabtu dib ugu noqdaan wixii la doonayey in laga guuro (Qabyaaladda), isaga oo yidhi "Waa in la helo guddi saddexaad oo hadii ay qaban kariwaayaan guddiga doorashooyinku axsaabta ka ilaaliya inay ku noqdaan wixii la doonayey in laga guuro."

Xasan Xaydh oo HORMOOD ka tirsan ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna sheegay inaanay UDUB ugu biirin inay kuraas helaan iyo inay aduun helaan toona, balse markii ay arkeen in ummaddii ku wada jirto oo ay yihiin xisbi qaran, isla markaana waxa uu intaa ku daray inaanay ahayn koox soo cadhootay, balse ay meesha ku yimaadeen talo guud oo uu ururku leeyahay. "Gudoomiye-kuxigeenkii Hormood ioy guddigii fulintu maanta halkan ayey joogaan"ayuu yidhi Xasan Xaydh. Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay Axmed Sandoon oo Hormood ka tirsan, wuxuuna ku dooday inay in ururkii Hormood badankoodu yahay kuwa UDUB ku biiray, isaga oo intaa ku daray inay UDUB iyo HORMOOD markii hore kala fogaayeen, laakiin ay ku dhiiradeen markii ay ururo sida ASAD, ILYAS iyo qaar kale ku biireen, wuxuuna yidhi, "Markaas ayaanu is nidhi kolay UDUB way fasaqantaye, idinkuna ku biira oo fasaqa."

Gudoomiyekuxigeenkii ururkii Hormood, Mahdi Ibraahin ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna sheegay inay UDUB ku biireen markii ay arkeen qaab-dhismeedkiisa iyo barnaamijkiisa.
Afhayeenka UDUB, Axmed Xaashi oo hore uga mid ahaa ururkii la odhan jiray ILAYS, ayaa isna halkaa ka hadlay, sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, Ismaaciil Bulaale oo sheegay inay aad u soo dhowaynayaan ururka Hormood ee ku soo biiray, hase yeeshee madaxweyne-kuxigeenka, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa xafladdaa soo gebagebeeyey, isaga oo sheegay inay Hormood sahankii tahay, UDUB-na reerkii tahay, sidaa darteed ay rajaynayaan inay reerka ku furaan halka uu ninka sahanka ahi u soo arkay. 

Top


Xeerka Doorashooyinka

Qodobka 46aad 
Cod-bixiyayaasha aan codka dhiiban Karin 

  1. Waxa codkiisa dhiiban kara cod-bixiyaha taga goobta cod-bixinta oo codkiisa ku ridi kara sanduuqa. 

  2. Haddii uu jiro qoft ay naafonimo u diidey inuu codkiisa bixiyo Gudoomiyaha goobta cod-bixinta ayaa u ogolaanaya in cod-bixiye kale oo uu aaminsan yahay inuu gacan siinayo oo ka caawiya sidii uu codkiisa u dhiiban lahaa. 

  3. Xoghayaha goobta cod-bixinta ayaa qoraalka gelinaya sababta loo ogolaaday in qofkaas naafada ah laga kaalmeeyo sidii uu codkiisa uu u bixin lahaa, waxa kale oo uu qoraalka ku muujinayaa qofka naafada ah iyo qofka kaalmeeyey. 

Qodobka 47aad 
Nidaamka cod.bixinta 

  1. Markuu dhamaado hawlgalka ku xusan qodobka hore, Gudoomiyaha goobta cod-bixintu wuxuu cod-bixiyaha siinayaa warqaddii cod- bixinta oo lagu dhuftay shaambaddii goobta oo laga reebay dabadii hadhaaga ahayd ee laga gooyey. 

  2. Markaa cod-bixiyuhu wuxuu gelaya qolka yar ee uu warqadda ku soo calaamadinayo, kuna soo xidhanayo. 

  3. Cod-bixiyuhu wuxuu calaamad soo saarayaa warqaddii cod-bixinta oo ka soo saarayaa dhinaca midig ee astaanta uu codka Siinayo isagoo isticmaalaya qalin-Biro ah oo uu siinayo xoghayaha goobtu. Ka dib warqaddii wuu soo laabayaa.isagoo ku xidhaya dacalkii yaraa ee xabagta lahaa waxaanu ku ridayaa sanduuqii loogu tala-galay cod-bixinta. 

  4. Markuu cod-bixiyuhu warqaddiisa ku rido meesha daloosha sanduuqa, waa inuu goobta ka baxo, waxase ka horaysa inuu Gudoomiyaha goobtu hubiyo in cod-bixiyaha ay si fiican uga muuqato calaamaddii aan tirtirmayn, markaas haddii aanay calaamaddu si fiican u muuqan waa in lagu celiyo mar kale, si loo cadeeyo inuu codkiisii dhiibtey. 

  5. Haddii cod-bixiyuhu arko in warqadda la siiyey aanay dhamayn ama dhaawac qabto, waa inuu soo celiyo oo Gudoomiyaha goobta weydiisto mid fayow, arrintaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo. 

  6. Gudoomiyaha goobtu wuxuu xaq u leeyahay inuu goobta ka saaro cod-bixiye kasta oo cudur-daar la'aan goobta ku daaha oo laga qaado warqadda cod-bixinta, waxana mar kale loo ogolaan karaa inuu codkiisa dhiibto markay dadkii kale ee goobta ku sugnaa ee codkooda dhiibanayey ay dhamaadaan. 

  7. Haddii cod-bixiye lagu helo inuu sito waraaqo cod-bixineed oo dheeraad ah ama kuwo ka duwan kuwa codka lagu bixinayo ama hore codkiisa u soo dhiibtey, Gudoomiyaha goobtu waa inuu si de deg ah u amro in la qabto oo booliska u dhiibo si maxkamad loo horgeeyo, Arintaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo. 

Qodobka 48aad 
Hawlgalka cod.bixinta 

  1. Hawlgalka cod-bixintu waa in la dhamaystiro hal maalin gudaheed oo ka bilaabmaysa 7:00 saac ee subaxnimo kuna dhamaanaysa 6:00 fiidnimo. 

  2. Cod-bixintu way soconaysaa wakhtiga xidhitaanka la tixgelin maayo, haddii ay jiraan cod-bixiyayaal safka ku jira oo aan weli codkooda bixin ilaa ay ka dhamaanayaan, 

Qodobka 49aad
Go'aanka cabashoovinka ee goobta cod.bixinta
 

Xafiiska goobta cod-bixintu waa inuu si ku meel gaadh ah go'aan uga gaadho cabashooyinka (haddii ay jiraan) oo ay ka mid yihiin kuwa af ahaan loo soo jeediyey iyo wixii muran ah ee ku hawlgalka goobta cod-bixinta. Cabashooyinka iyo muranadaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.

Qodobka 50aad 
Hawsha ka Horavsa Tirinta Codadka 

  1. Markay cod-bixiyayaashu codkooda bixiyaan. Gudoomiyaha goobtu wuxuu cod sare ku dhawaaqayaa inay cod-bixintu xidhan tahay. 

  2. Markuu Gudoomiyaha goobtu ka ururiyo miiska dhamaan waraaqaha iyo qalabka aan tirinta wax ahmiyad ah u lahayn wuxuu bilaabayaa hawsha soo socota:- 

    • Hubinayaa tirada cod-bixiyayaasha isagoo ka eegaya tirada waraaqaha cod-bixinta. 

    • Ururinayaa oo tirinayaa waraaqaha cod-bixinta ee aan la isticmaalin waxaanu ku ridayaa baqshadda 1aad. 

    • Xaqiijinayaa oo saxeexiisa ku muujinayaa waraaqaha doorashada ee xumaaday ama aan hagaagsanayn ee ay soo celiyeen cod- bixyayaashu, ama la arkay inay xun yihiin, waxaanu ku ridayaa baqshada 2aad. 

Qodobka 51aad 
Tirinta Codadka

  1. Marka Gudoomiyaha goobtu dhameeyo hawsha ku xusan qodobka la soo dhaafay wuxuu bilaabayaa tirinta waraaqaha cod-bixinta ee sanduuqa ku jira. Si taa loo fuliyo Hubiyuhu wuxuu markiiba sanduuqa ka soo saarayaa laba warqad cod-bixineed, wuxuuna u dhiibayaa Gudoomiyaha, Gudoomiyuhuna wuxuu furayaa warqaddii codbixinta oo cod sare ku dhawaaqayaa ururka/xisbiga codka lagu siiyey warqadaas, waxa hubiyuhu u sii gudbinayaa Hubiyaha kale oo isna tusi doona wakiilada Xisbiyada/Ururada, markaas xoghayaha ayaa gelinaya foomka khaanadaysan ee loogu tala-galay ururka/xisbiga codkaas helay, waxaanu warqadaas ku ridayaa sanduuqa loo sameeyay

  2. Ma banana in sanduuqa lag a soo saara warqad kale oo cod-bixineed inta tii ka horaysay laga dhamaynayo ee sanduuqa lagu ridayo. Hawsha waxa maamulaya hawl-wadeenada goobta oo keliya. 

  3. Gudoomiyaha goobtu markuu dhameeyo tirinta, wuxuu hubinayaa tirada waraaqaha cod-bixinta, iyo inay is-keenayaan tirada codadka ururada/axsaabtu guud ahaan heleen, wuxuu intaas raacinayaa tirada codadka lagu muransan yahay ama aan hagaagsanayn ama aanay waxba ka jirin ee ku xusan qodobka 57aad ee xeerkan. 

  4. Gudoomiyaha goobtu markuu caddeeyo ee sidaas saxeexiisa ku muujiyo wuxuu waraqadaha aan saxda ahayn ama waxba kama jiraanka laga soo qaadey ama muranku ka taagan yahay iyo waraaqaha cabashada iyo dacwooyinka ku ridayaa baqshadda 3aad. 

  5. Gudoomiyaha goobtu wuxuu ugu dambeyntii waraaqihii cod-bixinta ee la tiriyey ku ururinayaa baqshadda 4aad. 

Qodobka 52aad 
Xidhitaanka Hawsha Tirinta 

  1. Markuu Gudoomiyaha goobtu dhameeyo hawsha tirinta ee ku xusan qodobada kore wuxuu iyadoo fagaare ah ku dhawaaqayaa wadarta tirada cod-bixiyayaasha, codadka saxda noqday iyo tirada codadka uu helay liis kasta oo xisbi/urur, 

  2. Intaa dabadeed, Baqshadaha waa la lingaxayaa, korkana waxa lagaga dhufanayaa shaambaddii goobta, waxaana korka wadajir uga saxeexaya Gudoomiyaha goobta, ugu yaraan hal hubiye iyo wakiilada xisbi/urur kasta oo murashaxiin ku leh goobta-codbixinta. 

  3. Baqshadaha korkooda waxa lagu qorayaa faahfaahinta waxa baqshadda gudaheeda ku jira, 

  4. Hawsha tirinta waa in loo dhamaystiro si is-daba jooga ah ee la soo tilmaamay oo hakad lahayn 00 wax kale aan la dhex galin. 

  5. Qoraalada raadraaca ahi (records) waa inay si cad u muujiyo hawlaha kor ku xusan 
    La soco

Top


Xoghayaha Difaaca UCID Oo Ka Noqday Is-Casilaadii

Hargeysa (Haatuf) Xoghayaha difaaca iyo nabadgelyada ee xisbiga UCID Cali Xaaji Maxamed oo hore u sheegay inuu iska casiley xisbigaasi ayaa haatan cadeeyey inuu ka noqday iscasilaadaasi ka dib markii laga codsaday sidaasi.

Qoraal uu xalay na soo gaadhsiiyey Cali Xaaji Maxamed ayuu sidaa ku sheegay warsaxaafadeedkaa oo dhamaystirani wuxuu u qornaa sidan:-

"Anigoo ah Cali Xaaji Maxamed, Xoghayaha Difaaca iyo Nabadgelyada ee Xisbiga UCID, qorayna warqadda ku taariikhaysan 11/03/03, laguna faafiyey jariidada "The Republican", cadadkeedii 247, taariikh 15/03/03 iyo jariidada "Somaliland Times", cadadkeedii 60, taariikh 15/03/03 iyo "Haatuf" taariikh 16/03/03, kuna saabsanaa, TANAASUL MANSAB XISBI. Marka bore, waxaan ka xumahay in Jariidada "The Republican" ay si qalad ah u tarjuntay qoraalkaygii (for example: there is a difference between to resign a position and to leave a party). Marka labaad, waxaan u mahad naqayaa BAHDA XISBIGA UCID, ee jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, laga bilaabo, Guddida Fulinta - ilaa Taageerayaasha Xisbiga, iyagoo telefoono iyo E-mailaba ii soo diraya, kana xun ku dhawaaqidii aan ku dhawaaqay arrintaas, iina sheegaya in aanay ogolayn "Casilaadaas" , waanan "Aq balay." 

Waxaan si gaar ah uga magac-dhabayaa BAHDA UCID, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Md. Axmed Muuse Geedi, (Sanjab) 00 hadda caafimaad u jooga London, dalka Ingiriiska. Waxa ay Soomaalidu ku maahmaahdaa "Waxaa Faraska Usha loogu dhuftaa, ha ka sii badiyo", anna lexejeclada UCID iyo xoojinteeda ayuunbaa ila fogaatay. 

Waxaan u rajaynayaa xisbiga UCID guul, Somalilandna Horumar iyo Mustaqbal fiican."

Top


Odhaahda Akhristaha Talo Soo Jeedin

Aniga oo ah Aadan Geedi Liibaan (Jadheeye), waxaan halkan kula socodsiinayaa nimanka madaxnimada doonaya ee la qaylinaya waxaan leeyahay "Waa kuwa ma dadka aad madaxnimada ka doonaysaan ama aad damacdeen in aad madax u noqotaan?

Haddii ay ujeedadiinu tahay nimcadan la gaadhay ha burburto, walba waad burburin jirteene ee wada bal waa waxaad ka heshaan. Dadweynaha waxaan leeyahay waa markii 5aad ee burbur la idinla beegsado’e ee ka fiirsada durbaan walba ha daba yaacinee, iyada oo hadda aad ogtihiin wax heshiis ah oo habruhu ay kala gaadheen aanay jirin oo ay ku kala maqan yihiin daarihii, baabuurtii iyo geeliiba oo aanay waxba kala guranin oo aanu weli heshiis dhab ah oo meel mar ahi dhicin, waxaan leeyahay in ninka maanta madaxweynaha inoo ahi, mudane Daahir Rayaale Kaahin uu inoo dhex yahay, oo uu isagu uuni inna kala badbaadin karo, iyada oo aynu ognahay in 3deena habrood aanay waxba isku ogolayn.

Markaa waxaan leeyahay 5-ta sanadood ee soo socda isaga aynu u daynay jagada madaxweynanimada, isaga oo ah nin daacad ah oo Somaliland ah oo Somaliland u dhex ah oo edeb iyo asluub wacan leh iyo karti iyo hawl qabad. Sidaa darteed, dadweynaha waxaan kula talinayaa inay doortaan.

Waxaan idin leeyahay dadweynow durmaankan la idiin tumayo ha u hanqal taaginee nabadgelyadiina iyo nimcada aad ku jirtaan ilaashada.

Aadan Geedi Liibaan (Jadheeye)
Hargeysa 

Top


Badhasaabka cusub ee Burco oo xilka la wareegay

Burco (Haatuf): Badhasaabka cusub ee gobolka Togdheer, Cabdi Xuseen Dheere ayaa shalay xilka kala wareegay badhasaabkii hore ee gobolka, Cali Cabdi Hurre, iyadoo ay sidoo kale xil-wareejinta qayb ka ahaaayeen labada kuxigeen (Badhasaab-xigeenkii hore & ka cusub), waxayna labada dhinac xilka kula wareegeen xaflad lagu qabtay xafiiska badhasaabka Burco.
Sida uu ku soo waramay Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsan waxa munaasibadaa ka soo qayb galay madaxda laamaha dawladda gobolka, shaqaalaha Xafiisyada maamulka gobolka iyo martisharaf kale, iyadoo ay halkaa khud-bado ka jeediyeen labda nin ee xilka la kala wareegay, laakiin badhasaabkii hore, Cali Cabdi Hurre oo ugu horayn halkaa ka hadlay waxa uu yidhi "Mudadii aan xilka hayey oo gaadhaysa sannad iyo ayaamo ma doonayo inaan idhaahdo waxaas iyo waxaas ayaan qabtay, laakiin waxaan leeyahay wixii ii qabsoomay ilaahay baa idmay, shicibkana waxaan ku boorinayaa inay sidii wanaagsanayd ee ay noola shaqayn jireen ula shaqeeyaan maamulka cusub".

Badhasaabkii hore waxa uu munaasibadaa shahaadooyin abaal-marin shaqo ah ku siiyey qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulkiisa oo ku tilmaamay firfircooni dhinaca shaqada ah inay ku mutaysteen abaal-marintan, isaga oo yidhi "Masuuliyiinta aan shahaadada gudoonsiinayo waa kuwii ugu firfircoonaa gobolka". Waxayna kala yihiin masuuliyiinya shahaadada abaal-marinta la gudoonsiiyey Wakiilka wasaaradda warfaafinta gobolka, ahna weriyaha raadyow Hargeysa, Axmed ilkacase, maamulaha cashuuraha beriga Burco, Isuduwaha wasaaradda duulista hawada gobolka, Isuduwaha wasaaradda beeraha, maareeyaha wakaaladda biyaha, isuduwaha caafimaadka iyo caaqilka tuullada Qudhac-dheer.

Intaa ka dib waxa cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyey badhasaabka cusub, Cabdi Xuseen Dheere oo halkaa hadal ka jeediyey, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Waxaan doonayaa inaan ka hadlo munaasibaddan uu maanta nasiibku I keenay, aniga oo ka mid ahaan jirey kuwii halkaa ka soo jeedi jiray ee odhan jiray maantana ma hebel baa naloo keenay."

Cabdi Xuseen Dheere oo ka mid ahaan jiray ururkii ASAD oo mar ahaan jiray mucaarad fog waxa uu ka sheekeeyey waayihiisii hore, wuxuuna yidhi "Beri baa waxa jiray laba nin oo saaxiib ahaan-jiray oo la kala odhan jiray Ismaaciil X. Cabdi iyo Mijir Qaadi oo berigii waqooyiga Xamar la geeyey ka shaqayn jiray magaalada Xamar, dabadeedna maamulkii ayaa nimankaa cadaadis saaray, laakiin maamulkii ayaa arkay nimankii oo meel baas wax marinaya, ka dibna markaas ayey qoladii maamulku yidhaahdeen aynu nimanka wax ka qabano, subixii dambe ayuu Mijir Qaadi soo kalahay oo uu is yidhi saaxiibkaa Ismaaciil halkii kala wad, ka dibna ninkii Ismaaciil ayaa juuq u odhan waayey Mijir Qaadi, markaas ayuu Mijir yidhi waar arintu waa sidee , dabadeedna Ismaaciil X. Cabdi ayaa yidhi "Waaryaa Mijir kursigu marka aad ku fadhido iyo marka aad ka soo horjeedid waa kala laba ee ogow, markaa anigu inbadan ayaan halkaa (Mucaarad) ka soo jeediyey."

Cabdi Xuseen Dheere isaga oo ka waramaya xilka cusub ee loo soo magacaabay wuxuu yidhi "Dadweynaha reer Burco waxaan madaxweynaha uga sidaa salaan, ta kale aniga waxa markii laygu qoray Berbera, laakiin aniga ayaa diiday oo waxaan idhi Burco iigu bedela, iyada ayaan dadkeeda garanayaaye". Laakiin badhasaabka cusubi waxa kale oo uu ka hadlaya hawsha doorashooyinka soo fool leh wuxuu yidhi "Adiga oo hawl wada ayaa laga yaabaa inay hawl kale timaado, ka dibna aad hawshii hore dhigto, markaa ayaamahan waxa inagu soo fool leh doorashooyinkii markaa waxa dhamaanteen inagu waajib ah inaynu ilaalino nabadgelyada iyo nidaamka, anigu cidna odhan maayo urur hebel ugu rida ee qof waliba isagaa xor u ah oo og cidda uu ugu ridayo, laakiin inaga waxa inagase waxa waajib inaga saarran yahay wax wanaajinta, dadku waxay yidhaahdaam hebel waa shaydaan iyo waa daalin, waxaase laga yaabaa in qofka sidaa lagu leeyahay uu habeen oo dhan ilaahay baryayo, balse laga bilaabo iminka anigu halkan (Xafiiska badhasaabka) ayaan idiin fadhiyaa, laakiin ma garanayo dhulka iyo badhasaabku halka ay ka walaaloobeen, waayo dhulka waxaynu u leenahay dawlad hoose iyo maxkamado, markaa hadeer-ba ogaada cidda halkan iigu timaadda arin dhul inaanay ahayn dad arin wanaagsan wada, dadweynahana waxaan ka codsanayaa inay ila shaqeeyaan"ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey badhasaabka cusubi.

Top


Ururo dhalinyaro oo ku biiray KULMIYE

Hargeysa (Haatuf): Afar urur dhalinyaro oo reer Hargeysa ah oo la sheegay inay hore uga tirsanaan jireen ururkii HORMOOD ayaa shalay shaaca ka qaaday inay ku biireen xisbiga KULMIYE, iyaga oo xaflado kala duwan ku qabtay magaalada Hargeysa, iyadoo ay xafladahaasna ka qayb galeen qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, waxaana ka mid ah masuuliyiinta xafladahaa kala qayb galay xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Daa’uud Maxamed Geelle iyo afhayeen xisbiga, Maxamed Iid Dhimbiil.

"Dawlad aan dadka cunaha qaban oo aan biyo la’aan iyo sicir barar ku dillin ayaanu dhisi doonaa"ayuu yidhi xoghaya guud ee xisbiga KULMIYE, isaga oo ka hadlaya xaflad ay dhalinyaro badan oo sheegay inay isugu jiraan saddex urur dhalinyaro ku qabteen xafiiska dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ku yaal Hargeysa, waxa kale oo iyana xafladdaa ka hadashay marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo sheegtay inay mudan yihiin in codka la siiyo labada nin ee ka sharaxan xisbiga KULMIYE. Sidoo kale gudoomiyaha ururkaa ayaa sheegay inay hore u taageeri jireen ururkii HORMOOD, balse ay hadda go’aansadeen inay KULMIYE ku biiraan, isaga oo yidhi "Waxaanu ka koobanahay saddex urur dhalinyaro oo la kala yidhaahdo: Hubsad, Samawade iyo Dhamays, waxaanuna ka mid ahaan jirnay ururkii HORMOOD, hadana waxaanu ku biirnay xisbiga KULMIYE".

Sidoo kale urur dhalinyaro oo isna la yidhaahdo HEEGGAN ayaa xaflad ay ku cadaynayaan inay ku biireen xisbiga KULMIYE ku qabtay xaafadda xawaadle ee magaalada Hargeysa, waxaana halkaa ka hadlay masuuliyiin xisbiga KULMIYE ah oo ay ka mid yihiin xoghayaha guud iyo xoghaya abaabulka xisbiga, Daa’uud Maxamed Geelle iyo Maxamed Iid Dhimbiil, laakiin waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay xubno ka soo jeeda dhinaca ururka dhalinyarada Heeggan, kuwaas oo halkaa ka cadeeyey inay ku biireen xisbiga KULMIYE.

Top


Dil-dilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga Qaybta: 111

Mingistu: Doodihii iyo murankii ka dhextaagnaa dawladihii Itoobiya iyo somaliya waxay ahaayeen kuwo fagaarayaasha u soo baxay oo la wada ogaa, laakiin heshiisyadii dhexmaray dawladihii Itoobiya iyo Somaliya waxa uu heshiiskii koowaad ahaa kii ka dhacay caasimadda masaarida ee Qaahira, waxaana dhexdhexaadinayey ururka midowga Afrika, iyadoo ay qoddobada heshiiskaa ka mid ahaayeen qoddob dhigayey "Xuduudihii ay gumaystayaashu xadideen waa inay dalalka afrikaanku ku ekaadaan", balse qoddobkan oo ka mid ahaa axdigii aanu kala saxeexanay cidda diiday waxay ahayd Somaliya, laakiin runtii waxay ahayd mid sax ah fekradda odhanaysay "Dawladihii gumaystayaashu khariiradihii siyaasadeed ee ay jeexeen (Political Map), laakiin hadii aynu is-nidhaahno xuduudaha aan dib u habayno ama aanu isku dayno inaanu wax ka bedelo waxaynu horseedaynaa dagaalo la iskaga horyimaaddo, sidaa darteed fursadda keliya ee inoo banaani waxay tahay inaynu xuduudaha sidooda u dayno oo aynu dalalkeena ku hogaamino si nabadgelyo ah". 

Sidaa awgeed hadii aanu sidaa yeeli lahayn dhibaatadii dhacday may dhacdeen. Laakiin Somaliya waxay tidhi "Heshiiskan ma ogolin oo waxaanu leenahay Riseef Eeriya".

Somaliya marka la eego dhulkeedu inta uu le’eg yahay, tirada dadkeeda iyo qaniimadeeda dabiiciga ah, hadana marka la eego caalamka waxay ka mid ahayd dalalka lagu tilmaamo inay dunida ugu faqiirsan yihiin ee aadka u dib-dhacsan. Hase yeeshee damaceeda ah inay qabsato dhul ay Itoobiya leedahay oo ay xuduudeheeda ku sii balaadhsato si ay u suurtageliso gaashaandhigeeda waxay u dhistay si balaadhan ayey u soo diyaar-garoobeen dagaal, laakiin khatartaas anagu umaanu arag wax sahlan, balse sidii dhibaatooyinkii kale ee iyaga oo jira hadana la qarinayey sidoodii oo kale ayey shicibka uga qarsoonayd khatarta dhinaca Somaliya, sidaa awgeed ummadda Itoobiya may fahmin ujeedadayada iyo khatarta muuqatay, ta kale awoodda dhinaca ciidamadu waxay ahayd mid aanu inmuddo ah ka walaacsanayn. Tusaale ahaan gobolada Baalli, Booranaa iyo Ugaadeeniya waxa maalin kasta ciidankayaga kula daagalamayeya xoogaggii Somaliya, taas oo ay ciidamayadu inta ay la dagaalamaan oo ay u jilib dhigaan waxna ku laynayey, laguna laynayey oo ku naf-waayey, laakiin xiligii uu dalka Itoobiya isbedelku ka dhacayey si aanay Somalidu noo soo weerarin oo aanay noo soo weerarin inta aanu ka sii diyaar-garownay ayaanu heeggan u sii ahayn weerarkooda, dabadeedna si aanu isaga difaaci karno weerarkooda wixii aanu qaban karaynay ee diyaar-garow ah ee aanu awoodi karno waanu qabanay, laakiin waxa kale oo taa barbar socday oo aanu wadnay in halkii aanu si toos ah ugala dagaalami lahayn inaanu Somaliya kala hadalo waan-waan in wax lagu dhameeyo, taas oo aanu xataa hadii la heli karo aanu doonaynay inaanu Somaliya ku qancino inay ka joogsato wadada qaldan ee ay ku taagan tahay, waxaanuna ku dedaalay sidii aanu Somaliya ula yeellan lahayn xdihiidh wanaagsan iyo derisnimo wanaag, dedaalkaa aanu samaynayna ma aha wax la dafari karo...

La soco cadadka dambe.

Top


Garta xeer-beegtiQaybtii: 12

Wiilkii dhalinyarada ahaa markii uu ku dhaartay inaanu gabadhaa ka tegayn ayaa waxa loo qaatay inuu doonayo inuu faraxumeeyo ileyn meher u qaban-maayo oo nin baa qaba’e, laakiin ilma-abtiyadii iyaga oo aan dhaartiisii cidna uga sanqadhin ayaa maalintii ay is lahaayeen ambabixiya ayey lacag siiyeen , sibraarna waxay ugu shubeen caano badhax ah, muqmadna waa la siiyey, sidaas ayey wiilkii ilma-abtiyadii ku ambabixiyeen oo ay ku nabadgelyeeyeen, laakiin barqadii markii uu meel dhexe marayey ayuu soo noqday oo uu gurigii gabadhii Maydhan isa soo taagay, markaas ayaa la iswaydaarsaday "Waar reerkow iyo yeedhnay iyo i waraabiya", dabadeedna ninkii Maydhan qabay oo aqalka ku jira ayaa yidhi "Naa ninka xiligan harraadani waxba kama noola’e biyaha u badhxa", ka dibna gabadhii Maydhan ayaa biyaha kalaxa u dartay wiilkii oo debedda taagan, laakiin dhiibistii ay biyihii u dhiibtay ayuu galaankii biyaha inta uu tuuray gabadhii Maydhan gacanta qabsaday oo uu faraska fan-dambeedkiisa ku riratay cidhibta iyo jeedalka isu raaciyey faraskii, ka dibna uu la galbadday, dabadeedna markii qiyaas ilaa sagaashan KM ah ka fogaaday gurigii uu gabadha ka qaatay ayuu intuu faraskii joojiyey oo uu wadada dhinac uga degay ayuu Maydhan sheeko iyo haasaawe macaan u saaray, iyana waaba ka heshay, waxaana lagu heshiiyey inay tahay gabadh uu la soo tegay, sidaana ay dadka u sheegaan, ka dibna sidii ayey ku warameen markii Ooshii tageen, waxaana loo dhisay aroos kii horeba ka wacdaro badan, waxaase dhaqanku ahaa inay islaamuhu gabadha marka la arooso kala gooyaan, iyadoo marka la kala gooyo maro cad la hoos-dhigo si loo ogoodo inaanu qoddobku dhaawacnayn, dabadeedna wiilkii habeenkii u horaysay ee ay aqal galeen ayuu bahal bilaawe ah bawdadiisa ku dhuftay, halkaas oo maradii cadayd hoos dhigay dhiigii bawdadiisa ka soo qulqulay, ka dibna islaamihii ay arkeen ayey mash-xarad ku dhufteen, iyaga oo moodaya inuu wiilkii gabadhii ugubka ahayd kala goostay, waxayna islaamihii ku heeseen heestii afgarashada ahayd marka ay sidaas oo kale dhacdo, iyaga oo yidhi "Qaraxdayeey ninka maxaa lagu qaboojiyaa", laakiin sidoo kale ninku marka uu hawshiisa gudan kari waayo waxa loogu heesi jiray "Ribatayeey meesha miyaan rag helineey".

Heesahaas oo dhawr goor lagu cel-celiyo. Hase yeeshee fiidkii ayey reerihii Maydhan laga soo dhacay ee qabay tabeen oo la yidhi "Tolow Maydhan xagee bay jirtaa ma maqashii bay doontay adhigii ayey doontay". Laakiin wiil-yar oo arkayey markii Maydhan faraska lagu ritay ayaa yidhi "Saw tii saaka raacday faraskii ninku watay", dabadeedna ninkii Maydhan qabay waa waashay oo waxay kaga dhegtay Maydhan, taas oo wax kasta oo la waydiiyo uu kaga jawaabo Maydhan. Sidaa darteed geedigii koowaad ee uu reerku guuro waxa lagu taxaabay xadhig, geedigii labaadna waxa lagu xidhiidhiyey Awr, ka dibna talo waxay noqotay inay barbaartii ragga ahayd ee reeraha joogtay yidhaahdaan "Waanu duulaynaa", laakiin odayaashii ayaa yidhi "Horta aynu dirno konton nin ergo ah oo codkar iyo culimoba leh", dabadeedna taladii odayaasha ayaa la raacay, waxaana Duulane reerahoodii ayaa loo tegay oo lagu yidhi "Gabadhaas Maydhan waa xaaskayagii, iyada ayaanuna u socoanay ee hanaloo celiyo"...

La soco cadadka dambe.

Top


Jilbo dhiig Qaybtii: 12 aad

Dhalinyaradii hore ee miyigu waxay ahaayeen dad xishoodka iyo anshaxu debedda ka joogo, sidaa darteed wiilka iyo gabadha dhalinyarada ahi marka ay haasawayaan waxa uu dhaqanku ahaa in mid-ba geed dhinaca kale iska soo taago, taas oo ay gabadhu mar-ba qori ka jabsan jirtay geedka dhiniciisa, wiilkuna sidoo kale mar-ba laan ayuu geedka ka maroojisan jiray, hangoolkiisana mar-ba dhulka ku muddi jiray oo uu isna Madaxa kaga fadhiisan jiray, halkaas oo ay isku dhaafsan jireen weedho ay sarbeebta iyo duur-xulku ku badan yihiin, iyadoo dhinaca kalena xujada iyo hal-xidhaalaha la isu miisayo, waxaana ka mid ahaa murtida ay wiilka iyo gabadhu isku xujayn jireen "Dhagaxaa Sooh" iyo "Waayahaye adiguna calali", "Dhulka duub", "Waayahaye adna ka kac". Sidoo kale dhalinyarada reer miyiga ahi waxay fagaarayaash ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo gaafka arooska isku dhaafsan jireen heeso sarbeeb iyo hogatusaalayn haasaawe ah iyo hal-xidhaalayaal la isku xujaynayo, sidoo kale heesahaa iyo hal-xidhaalayaashaasi waxay ahaayeen kuwo si sarbeeb ah la isugu waraysan jiray, iyadoo la isku waydiin jiray halku uu reerku deganaa jiilaalka ama gu’ga iyo hadii ay yihiin kuwo sheeko hore lahaa axdigii u dhexeeyey inu jiro iyo inkale. Laakiin xiliyada ay fursadaha haasaawuhu iman jireen waxay inta badan ahaayeen xiliyada barwaaqada ah ee roobku jiro.

Odayaasha beesha Mooge (Biixi Aabihii), iyaga oo og jeebka iyo xerada Mooge ayey had iyo goor siin jireen xoolo muquuno ah, taasina waxay ka dhigtay Mooge inuu xoolo wanaagsan yeesho.

Biixi waxa uu arintiisii u bandhigay Aabihii Mooge, taas oo uu Biixi Aabihii u sheegay inuu doonayo inuu guursado, dabadeedna odaygii Mooge kuma gacan saydhin, sidaa darteed dhawr neef oo Ahmin ah ayuu sayladda u soo taxaabay.

Run ahaantii dagaalkii uu ayaamaha ku jiray, ka dib Biixi waxaan mar qudha xusuustiisa ka bixi jirin jacaylkii Xayaad, waxaana naftiisa jiif iyo joog-ba u diiday hammi iyo qammi qalbigiisa iyo maskaxdiisa hadhsanaya. Laakiin hadalada uu hoos ugu xanshaashaqayey waxa ka mid ahaa "Hadii aan dukaan yar samaysto oo aan ayaamo ku tacabto, lacagna ka soo saaro miyaanan Xayaad soo xero gelinayn".

Odaygii Mooge dhawrkii Ahminka ahaa inta uu magaalada ka iibiyey ayuu lacagtii ka soo baxday faraqa ugu guntay wiilkiisii Biixi, isaga oo u sii duceeyey, ka dibna sidaas ayuu ku baqoolay, isaga oo dib ugu noqday magaaladiisii , laakiin markii uu magaaladii soo galay ayuu markiiba u tegay saaxiibadii sii ula tashado, dabadeedna markii taladii la rogrogay waxa laga qaadi-waayey inuu Biixi lacagta yar ku sameeyo dukaan yar, dukaankaas yarna laga dhigo xaafadda Xayaad degan tahay, weliba meel gurigooda u dhow, ka dibna saaxiibkii Faysal ayaa yidhi "Weliba yeynaan meel kasta ka dhigine waxaynu dukaanka ka dhigaynaa halka ay baska ka raacdo si indhaheeda iyo indhahaagu mar walba isugu dhacaan". 

Sidaas ayaana dukaankii lagaga sameeyey meel ay ku soo jeedda waddo ay Xayaad soo marto marka ay gurigeeda ka soo baxdo, laakiin nasiib wanaag maalintii dambe ayey Xayaad oo alaab doonaysaa daf soo tidhi dukaankii Biixi, dabadeedna Biixi waxay ku noqotay yaab iyo qaadan-waa, sidaa darteed dadkii kale ee merfeshka dukaanka hoganayey ayuu Biixi degdeg u kala dareeriyey oo si dhakhso u kala siiyey wixii ay doonayeen, balse Biixi waa shooksan yahay, waxaana mooralkiisa saaqay dareen jacayl, taas oo ay ishiisu ka bogatay aragtida Xayaad oo awel cidhiidhi ku ahaan jirtay, laakiin Biixi sidii hore caadada ugu ahayd ma degdegani, isla markaana waxa uu u dhaqmay si diblomaasiyaddi ku dheehan tahay, ka dibna inta uu dhoola-cadeeyey ayuu si degan oo dareen soo jeedasho lihi ku dheehan yahay u yidhi "Ma gabadhii Diidan baa", laakiin Xayaad iyada oo ka dheregsan waayaha Biixi iyo inuu iyada darteed rafaad badan u maray oo uu xataa iskuulkii uga baxay iyada awgeed, isla markaana aan ilowsanayn ee si fiican u xusuusan inay dhawr goor diiday ayey ku tidhi "Walaal gacaliye maxaan diiday".

Biixi markii uu maqlay ereyga "Gacaliye" ayuu farxad iyo yididiilo la dheellantay, wuxuuna u qaatay inay Xayaad ka soo debecday mawqifkii adkaa ee ay arintiisa ka taagnayd, sidaa darteedna uu caashaqii eerigo’anta la helay wehel iyo hiil-ba helay, isaga oo hoosta ka yidhi "Alxamdulilaah sowtan Xayaad ka soo debecday mawqifkii bilaa naxariista ahaa ee ay iga taagnayd". Laakiin intuu ku soo dhowaaday ayuu ku yidhi "Xayaadeey gacaliso mar uun ii calool debec oo iga goo falaadhaha garka wadne igaga taagan, ta kale gacaliso hay maqlin odayga aabahaa, ileyn ceebi taa kaa raaci mayso, waayo waxaan wiil dhalinyaro ah oo geyaankaa ah ee adna nabsiga iska leexi, anigana naftayda ha galaafan".

Xayaad markii ay weedhahaa maqashay waxoogaa walaac ah ayaa nafteeda ka muuqday, isla markaana waxay u muuqatay inay waxoogaa naxariis ah u muujisay Biixi oo aan uga barran wax jixinjix ah haba yaraatee, laakiin waxay ugu jawaabtay "Walaal arintu hadda waa igu kedis, waayo adigana meesha kaama filayn, arintana waxaan moodayey inaad beri hore ka quusatay, sidaa darteed arinta kuma degdegayo’e bal aan soo lafo-guro".

Biixi hadalkaa maba filayn, sidaa awgeed si degdeg ah ayuu u yidhi "Waayahay gacaliso", isaga oo isu haysta inaanay arintiisu dhamaad waxba ka duwanayn, laakiin Xayaad intaa Biixi kagama tegine waxay u soo siibtay fargal ay xidhnayd, iyadoo ku tidhi "Walaal fargalkaana xusuus ahaan u hayso".

Biixi markii ay Xayaad fargalkeedii u soo fiiqday ee ka gudoomay ayey farxadiisu noqotay wixii hore quba oo uu dhidid tin iyo cidhib qoyey, isla markaana ay jidhidhico darteed xaaddu istaagtay...

La soco cadadka dambe.

Top


Garab HORMOOD ah la midoobay UDUB

Hargeysa (Haatuf): Qayb ka mid ah ururkii HORMOOD oo ka mid ahaa saddexdii urur ee ku hadhay doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaa shalay la midoobay xisbiga UDUB, waxaana midowgaa lagaga dhawaaqay xaflad balaadhan ooo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa.

Xafladdaa oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka soo qayb madaxweyne-kuxigeenka Somaliland, ahna gudoomiye-kuxigeenka xisbiga UDUB iyo weliba musharaxa madaxweynekuxigeenka, Axmed Yuusuf Yaasiin, xubno ka mid ah golaha wasiirada, madax ka kala tirsan labada dhinac ee midoobay, iyadoo si weyn loo soo camiray hoolka shirku ka dhacay, waxaana halkaa hadalo munaasibadda midowga la xidhiidha ka jeediyey masuuliyiin labada dhinac ka tirsan.

Dhinaca UDUB masuuliyiinta ka soo qayb gashay madaxweynekuxigeenka marka laga yimaado waxa ka soo qayb galay xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, Ismaaciil Bulaale, afhayeenka UDUB, Axmed Xaashi, gudoomiyaha UDUB ee gobolka Hargeysa, C/raxmaan Cadami iyo xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirka daakhiliga, Ismaaciil Aadan Cismaan, wasiirka warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale, wasiirudawlaha arimaha debedda, mudane Qaasim iyo qaar kale. Sidoo kale dhinaca HORMOOD-na ragga masuuliyiinta ah waxa ka mid ahaa Mahdi Ibraahin Khayre oo gudoomiyekuxigeen ka ahaa ururkii HORMOOD, Xasan Xaydh, Axmed Sandoon iyo xubno kale.

Top