Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 298 March 30, 2003

Tartan aqooneed dhexmaray arday

Aqoonyahano Is-Abaabulay Oo Dood Ka Furay Mawduuca Doorashooyinka adaxtinimada

Cadaadley: Magaalo Qadiimi Ah Iyo Duruufaha ka Jira

Gudoomiyaha UCID Iyo Wefti U Hogaaminayo Oo Socdaalo Ku Soo Marey Deegaamo Bariga Hargeysa

Ololaha Xaamiga Ah Ee Xisbiga KULMIYE Iyo Dhaq-dhaqaaqyadii U Dambeeyey

Dhaq-Dhaqaaqa Xisbiyadu Sidee Buu Ugu Kala Sanqadh Badan Yahay Burco

Wararka Gebilay:Qaylo Dhaan Caafimaad

Xisbiga UCID oo olole ka bilaabay Gebilay

Wasiiru-dawle cusub Oo la Magacaabey

Jilbo-Dhiig

Garta xeer-beegti Iyo xeerarka Somalida

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

AHMIYADDA MASAAJIDADA IYO BAAHIDA LOO QABO DHISMAHOODA

IFTIINKA ISLAAMKA

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Xeerka Doorashooyinka


Tartan aqooneed dhexmaray arday

Gebilay (Haatuf):Ardayda dugsiga dhexe ee Sh. Muxumad Warsame iyo ardayda dugsiga dhexe ee Sh. Cali Ibraahin ee magaalada Hargeysa ayaa shalay tartan aqooneed ku dhexmaray hoolka shirarka ee xarunta waxbarashada Gebilay, halkaas oo ay guddi macalimiin ah oo ka kala tirsan labada dugsi tartanka daadihinayeen, iyadoo ay su'aalaha ardayda lagu tartansiinayey ahaayeen kuwo la xidhiidha maadooyinka ay dhigtaan, sida Sayniska, Xisaabta, Jograafiga iyo taariikhda.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan tartan aqooneedkaasi waxa uu ku dhamaaday dugsiga H/Dhexe ee Sh. Cali Ibraahin oo ay guushu ku raacday 21 dhibcood, halka uu dugsiga Sh. Muxumad Warsamena helay 20 dhibcood.

Top


Aqoonyahano Is-Abaabulay Oo Dood Ka Furay Mawduuca Doorashooyinka adaxtinimada

"Waa In La Soo Celiyo Hantidii Ummadda Ee La Lunsaday, Nimanka Musharaxiinta Ahina Waa Inay Ummadda Barnaamij Hor-Keenaan"

Hargeysa (Haatuf): Koox aqoonyahano reer Somaliland ah oo la magac baxay "Ururka qiimaynta wax qabadka dawladda iyo horumarka bulshada", uuna horkacayo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay marxaladda ay Somaliland waqtigan xaadirka ah marayso iyo waxyaalaha looga baahan yahay xisbiyada ku tartamaya madaxtinimada dalka, iyaga oo tilmaamo ka bixiyey nooca dawladda loo baahan yahay iyo barnaamij siyaasadeedka looga baahan yahay dhismaha dawladnimo, waxayna aqoonyahanadani arimahaa kaga hadleen shirjaraa'id oo ay shalay ku qabteen hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa.

Ugu horayn qoraal ay saxaafadda ugu talo galeen ayey weriyayaasha u qaybiyeen, ka dibna waxay tafaasiil ka bixiyeen ujeedada ay shirka jaraa'id u qabteen iyo talooyinka ay fariintoodu xambaarsan tahay, taas oo ay faahfaahinta qoraalkooda isku waydiiyeen su'aalo ay ka mid yihiin "Waxa haboon in la iswaydiiyo sida lagu heli karo dawlad haboon", iyaga oo dhinaca farta ku fiiqay xisbiyada iyo hogaamiyayaasha siyaasadeed ee ku tartamaya talada dalka, taas oo ay qoraalkooda ku soo bandhigeen tusaalooyin iyo talo bixino la xidhiidha barnaamijyada looga baahanyahay xisbiyada tartamaya iyo hogaamiyayaashooda, waxayna nimankani sheegeen inay amuurta caynkan ah ku keliftay marxaladihii dawlad-xumo ee ummadda Somaliland soo maray iyo sida hadda loogu baahan yahay in laga fekero sidii loo heli lahaa dawlad haboon iyo sidoo kale bay yidhaahdeen dadweynaha oo aad moodo inaanay fahamsanayn doorka ay ku leeyihiin arimahan oo kale.

"Waxaanu soo bandhigaynaa barnaamijika uu ururku is leeyahay waxa lagu gaadhi karaa dawlad haboon oo dalka iyo dadkaba anfici karta"ayey qoraalkooda ku yidhaahdeen, iyadoo ay dhawr nin oo aqoonyahanada ka mid ahi shirkaa jaraa'id ka hadleen, iyaga oo sharax ka bixiyey ujeedada ay mawduucan ka leeyihiin, waxaan ragga halkaa ka hadlay ka mid ahaa Maxamed Xaashi iyo Xuseen Caynaan. Laakiin iyaga oo ka hadlaya barnaamijka ay ku talinayaan in loo baahan yahay waxay yidhaahdeen waxa loo baahan yahay dawlad kooban, iyaga oo yidhi "Si loo tashiilo ama loo baajiyo dakhliga badan ee ku baxa wasaaradaha tirada badan ee aan loo baahnayn waxa haboon in tirada Wasaaradaha lagu soo koobo 14 wasaaradood ama ka yar", iyo bay yidhaahdeen 7 hayadood oo ah kuwa Madaxa banaan. Laakiin waxay intaa ku dareen "Wasaaradaha dalka ka jiraa ma aha kuwo lagu saleeyey baahida dalka, isla markaana ma aha kuwo fuliyey hawlihii loo aasaasay, waxayna ku sifoobeen hayado ay beelo leeyihiin."

"Maanta 50 wasiir ay dawladdu ka kooban tahay oo kala ah 27 wasiir, 17 wasiir-kuxigeen iyo 6 wasiiru-dawle"ayey yidhaahdeen, iyaga oo intaa ku daray, "Nimanka musharaxiinta ah waxaanu leenahay ummadda barnaamij horkeena."

Aqoonyahanadani waxa kale oo ay sheegeen inaanay shaqaalaha iyo ciidamada Somalilan helin daryeel iyo xuquuq ku fillan, iyaga oo bay yidhaahdeen, "Ay shaqaalaha iyo ciidamadu xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan", iyaga oo qoraalkooda ku soo bandhigay shax muujinaysa xaddiga yar ee ay mushaharka u qaataan shaqaalaha iyo ciidamada Somaliland.
Waxa kale oo ay xuseen musuqmaasuqa maaro loo la'yahay ee maamulka Somaliland dilooday, taas oo ay tilmaameen inay lagama maarmaan tahay in laga takhaluso, laakiin iyaga oo tilmaan ka bixinaya sida lagu suulin karo dhaqanka musuqmaasuqa waxay yidhaahdeen, "Si loola dagaalamo musuqmaasuqa waxa haboon in marka hore la daryeelo shaqaalaha dawladda, lana siiyo mushahar ku filan iyo hayadaha sharciga oo lagula xisaabtamo xilka ay ummadda u hayaan, waxa iyana lagama maarmaan ah in la so celiyo hantidii ummadda ee la lunsaday, isla markaana dadkii lunsaday maxkamad la soo taago, taasina waxay bad-baado u noqonaysaa in la lunsado hantida ummadda."

Aqoonyahanadani waxay sheegeen inuu barnaamijkoodani yahay dood socon doonto ilaa inta ka horaysa maalinta loo cayimay doorashada madaxtooyada ee 14-ka Abril, 2003, iyaga oo sheegay in mawduucyo kala duduwan oo amuurtan la xidhiidha soo bandhigi doonaan maalmaha kala duwan oo ku beegan inta ka horaysa maalinta doorashada, waxayna nuxurka barnaamijkan ku micneeyeen inay doonayaan inay ummadda fahamsiiyaan kaalintooda ah inay la xisaabtamaan hogaamiyayaasha siyaasadda ha noqdeen kuwa tartamaya ama ha noqdeen kuwa talada haya.

Top


Cadaadley: Magaalo Qadiimi Ah Iyo Duruufaha ka Jira

Cadaadley (Haatuf): "Magaalada waxa ku yaal geedkii heshiiska lagula gaalkii ay Somalidu u taqaanay Caarshe ee dadka gibirka waydiiyey"sidaa waxa yidhi dadka reer Cadaadley oo waramaya koox weriyayaal ah oo booqday horaantii toddobaadkan, laakiin A. Ducaale oo Haatuf ka tirsan ayaa warbixin nooga diyaariyey xaaladihii maamul, nololeed, siyaasadeed iyo muuqaaladii kale ee uu ku soo arkay magaalada Cadaadley, waana tan warbixintii.

"Magaalada Cadaadley waxay jenbiga ka saaran tahay doox weyn oo biyo mareen ah, waxayna magaaladu xiliyo aan fogayn ka cabi jirtay laaso gacanta lagu qodo oo dooxa ku yaal, laakiin hay'adda Unicef ayaa ceel u dayactirtay, ceelkaas ayey hadda ka cabaan. Sidoo kale magaaladu waxa ku yaal hal iskuulo oo ka kooban saddex qol, waxaana iskuulka dayactirtay hay'adda DRC, laakiin fasaladu kuma filna ardayda, taasina waxay keentay inay laba fasal oo arday kala heer ahi hal qol wax ku wada dhigtaan hal mar, iyadoo ay macalimiintu sheegeen inay taa dhibaato badan kala kulmaan, iyadoo ay iskuulkaa wax ka bartaan ilaa 125 arday oo ka kooban fasalka 1aad ilaa fasalka 6aad ee dugsiga dhexe. 

"Hal sabuurad ayaanu wax ugu wada dhignaa labada fasal, ardayda fasalka kalena way iska dhex-fadhiyaan fasalka inta ardayda kale wax loo dhigayo"ayuu yidhi maamulaha dugsigaasi, Axmed Xuseen C/laahi. Laakiin heerka waxbarasho ee dugsiga Cadaadlay waxa ugu sareeya dugsi dhexe, sidaa darteed waxay sheegeen inay dhibaato ka haysato ardayda dugsiga dhexe dhamaysata, taas oo aanay u hayn dugsi sare. "Ardaydu marka ay dhamaysato dugsiga dhexe Hargeysa ayaa noogu dhow dugsi sare"ayuu yidhi maamulaha dugsigu.

Waxa kale oo magaalada Cadaadlay ku yaal saldhig boolis oo ah dhisme gaboobay oo la dhisay xiligii Ingiriiska, waxaana saldhigaa ka hawl gala 25 askari. "Cid halkan kuma xidhno ee dadka aanu soo xidh-xidhno markiiba waxaanu u gudbinaa Hargeysa"sidaa waxa yidhi taliye-xigeenka saldhigaa, Aadan Ibraahin Khaliil. Laakiin degmada magaalada Cadaadley ma laha maxkamad, waxaase jira dhisme yar oo ah maxkamaddii Ingiriiska oo dunsan. "Hadda ayaanu ku talo jirnaa inaanu maxkamadda dayactirno"sidaa waxa yidhi maayarka Cadaadley Maxamuud Cabdi C/laahi.

Waxa kale oo magaalada Cadaadley ku yaal rug caafimaadka dadka ah. "Dadka bukaan socodka ah ayuun baa lagu daweeyaa"sidaa waxa yidhi Madaxa rugtaa Farxaan Aw-Cali C/laahi oo u waramaya weriyayaasha, isaga oo intaa ku daray "Waqtigan dadka debedaha (miyiga) ka yimaadda xanuunadooda waxa u badan shuban, dadka magaaladana waxa xanuunadooda u badan hargabka oo kale."

Inkasta oo aad dareemayso inay xaalad dhaqaale xumo jirto oo aanay qarsoonayn busaaraddu, hadana cuntooyinku qaali ma aha, tusaale ahaan koobka shaaha ah waxa lagu iibiyaa 300 Sh.Sl, halka uu Hargeysa yahay 500 Sh.Sl.

Magaalada Cadaadley waa magaalo Qadiimi ah , sidaa darteed waxaad ku arkaysaa dhismayaal gaboobay oo ay qaarkood ka turjumayaan da'da magaalada. Sida la rumaysan yahay dhismaha magaalada Cadaadley qiyaas ahaan waxay ku sinayd sannadkii 1919-kii, laakiin sannadihii lixdamaadkii ayaa loo aqoonsaday degmo dhiman, balse derejadeedu sarayso. "Bishii Febarweri 1960-kii ayuu Ingiriisku u qoondeeyey heerka "B", iyadoo xiligaa ahayd degmo dhiman (Sub-district), maantana waa D, laakiin waa degmo u qallanta B"ayuu yidhi Maayarku. Laakiin marka laga yimaaddo dhismaha waqtigan ee magaalada waxay sheegeen dadka taariikhda magaalada ka sheekeeyaa inay magaalada hadda jirtaa tahay Cadaadleyda cusub, laakiin waxa jirta bay yidhaahdeen magaalo kale oo baaba'day oo loo yaqaan "Magaalo gubad", magaaladaas oo sida la sheegay Ingiriisku gubay qiyaas 80 sannadood ka hor ah. Hase yeeshee marka taa laga yimaaddo magaalada Cadaadley waxa hadda ka muuqda burburkii dagaalada, taas oo aad arkayso dhismayaal badan oo burbursan. 

Laakiin magaalada Cadaadley bishii Julay ee sannadkii 2001 ayaa degmo loo magacaabay, hase yeeshee inkasta oo ay madaxdii degmadu shaqaynayaan, hadana waxa ka muuqda duruufo dhaqaale, tusaale ahaan maayarku ma laha xafiis u gaar ah oo uu ku shaqeeyo, isaga ku shaqeeyo qayb ka mid ah dhisme ay leeyihiin ururka haweenka cadaadley. Laakiin hadda ayaa gacanta lagu hayaa dhisme ay leedahay dawladda hoose ee Cadaadley, sida la sheegayna waxa dhismahaa gacan ka geysanaya dad reer Cadaadley oo meelo kala duduwan jooga.

Maayarka degmada Cadaadley mar la waydiiyey inay cashuuro qaadaan iyo hadii ay qaadaan inta uu le'eg yahay dakhliga ay helaan wuxu yidhi, "Cashuur waanu qaadnaa, waxaana na soo gala dakhli waxoogaa ah, laakiin ma aha wax baahiyahayaga dabooli ku fillan", laakiin maayarka mar la waydiiyey baahiyaha ugu darran ee haysta maamulkiisa wuxu yidhi "Runtii baahiyuhu way badan yihiin, laakiin waxyaalaha waqtigan xaadirka noogu darrani waxay yihiin biyo la'aan ka taagan tuulooyinka iyo degaamada ay degmadu xukunto, iyadoo hadda biyo dhaamis ka jiro tuulooyin badan oo dhinaca hawdka ah."

Magaalada Cadaadley inkasta oo aanu wax dhaqdhaqaaq ahi ka muuqan, hadana waxa xafiisyo ku leh saddexda xisbi ee UDUB, KULMIYE iyo UCID, kuwaas oo uu mid walba calankiisu ka dul-babanayey dhismaha xafiiskiisa, laakiin maayarka mar la waydiiyey bal waxa uga meel yaal hawsha doorashooyinka ee soo fool leh waxa uu yidhi "Koley anagu waxaanu ku dedaali doonaa sidii ay doorashadu degmada uga dhici lahayd si nabadgelyo ah."

Top


Gudoomiyaha UCID Iyo Wefti U Hogaaminayo Oo Socdaalo Ku Soo Marey Deegaamo Bariga Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, isla markaana ah musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga UCID iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay socdaal ku kala bixiyay degaamada Xunba-weyne, Aw Barkhadle, Cadaadley iyo meelo kale.

Guddoomiyaha UCID, waxa uu dadweynaha halkaa ku dhaqan u jeediyay khudbado uu kaga warramay barnaamijkiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu u qaban doono dadka degaankaas, wuxuuna dadka degaankaas oo beeralay ah ugu bushaareeyay in haddii uu ku guulaysto tartanka oo ay doortaan dawladdiisa ay wax weyn ka qaban doonto sidii loo horumarin lahaa dadka beeralayda ah, wuxuuna sheegay inay 5% ay siin doonaan maal-gelin ah 50% ay iska bixin doonaan wixii ay cagafyo u baahdaan.

Guddoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe, waxa uu intaa ku daray inay dawaynayaan sidii ay dadka beeralayda ahi u heli lahaayeen macaash oo ay sicir midaysan ugu samayn lahaayeen. Isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, Waxaanu doonaynaa inaad macaash heshaan oo aanu idiin samayno sixir midaysan iyo suuq gooni ah oo dhexe."

Mr. Faysal waxa uu intaa raaciyay oo uu dadkaa ugu bushaareeyay inuu xisbigiisu ku dedaalayo sidii dadka beeralayda ah looga joojin lahaa khudradda debadda laga keeno ee jebisay tii ay beerayeen, isla markaana ay iyagu noqon doonaan beeralaydaasi kuwa khuradda u dhoofiya debedda.

Guddoomiyaha UCID oo la hadlayay dadka degaanadaasi waxa kaloo uu ugu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono milcaamadaha qur'aanka, dugsiyada waxbarashada iyo goobaha caafimaadka, isagoo yidhi; "Waxaan dhisi doonaa milcaamado aan daasad lagu fadhiisan oo macallinka qur'aanku uu mushar fiican qaato, waxa sidoo kale aanu ahmiyadda siinaynaa dugsiyada iyo goobaha caafimaadka. Walaalayaal codkiina dhiibta oo yaan la idinka badan hadhow meeliba meehsa ay ka dad badan tahay ayaa wax loo qabanayaa oo ahmiyadda la siinayaa ayuu yidhi.

Guuddoomiyaha UCID isagoo la hadlayay dad kusoo dhoweeyay Tuulada Cadaadlay ee deegaankaa, Mr. Faysal waxa uu sheegay inay ka warhayaan dhibaatada dadka reer miyiga ah haysata, laakiin wuxuu ugu duceeyay inuu Ilaahay dhibaatada ka dulqaado, waxa iyaguna dadka degaanada ku nool u jeediyay xubno haween ah iyo mas'uuliyiin kale oo la socday guddoomiyaha UCID, waxayna weftiga xalay dib ugu soo laabteen magaalada Hargeysa.

Top


Ololaha Xaamiga Ah Ee Xisbiga KULMIYE Iyo Dhaq-dhaqaaqyadii U Dambeeyey

Hargeysa (Haatuf): Dhawr urur dhalinyaro oo la sheegay inay ka mid ahaayeen ururada dhalinyarada ahaa ee taageeri jiray xisbiga UDUB ayaa shalay sheegay inay ku biireen xisbiga KULMIYE, waxayna dhalinyaradaasi sidaa kaga dhawaaqeen xaflad balaadhan oo lagu qabtay hoolka dhismaha la yidhaahdo RAINBO oo ku yaal xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa, waxaana xafladdaa ka soo qayb galay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xubno kale oo ka tirsan guddiga hogaaminta iyo golaha dhexe ee xisbiga, iyadoo ay halkaa isugu soo baxeen kumaan dad ah oo muujinaya taageeradooda xisbiga KULMIYE, taas oo ay boqolaal qof oo dhalinyaro u badani ku xoomeen gudoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo, isla markaana gudoomiyaha KULMIYE iyo xubno kale ayaa hadalo ka jeediyey munaasibadaa.

Sidoo kale kooxo dhalinyaro ah oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa isla shalay xafiis cusub ka furay xaafadda Gol-janno ee magaalada Hargeysa, iyadoo furitaankaa xafiiska loo sameeyey xaflad ay khudbado gaagaaban ka jeediyeen qaar ka tirsan hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE, iyadoo ay dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaayeen Maxamed Baaruud iyo Canab Cumar Ileeye.
"Anagu waxaanu nahay dadkii idiin naxay berigii hore, iyadoo aad xiligii halgan nagu taageerteen dagaalkii, laakiin maanta waxaanu rabnaa inaad nagu taageertaan nabad"ayuu yidhi Maxamed Baaruud.

Dhinaca kalena wefti uu xisbiga KULMIYE ah oo uu hogaaminayo gudoomiye-kuxigeenka labaad ee xisbiga Marwo Siraad Cali Yuusuf, uuna ka mid yahay C/raxmaan Aw-Cali Faarax oo ah ninka xisbiga KULMIYE ugu sharaxan jagada madaxweyne-kuxigeenka, iyadoo ay weftigaasi inmuddo ah socdaal la xidhiidha ololaha doorashada ku joogeen xarunta gobolka Awdal ee Boorame.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar weftigaasi waxay kulamo kala duwan la yeelanayaan guud ahaan bulshada reer Boorame, gaar ahaana taageerayaashooda, iyaga oo tafaasiil ka bixinayaa barnaamij siyaasadeedka ay doonayaan inay dalka ku hogaamiyaan hadii ay tartanka doorashada ku guulaystaan, iyadoo weftigaa si weyn loogu soo dhoweeyey halkaa. Hase yeeshee sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf musharaxa jagada madaxweyne-kuxigeenka xisbiga KULMIYE, C/raxmaan Aw-Cali ayaa habeen hore si kedis ah uga ambabaxay magaalada Boorame, isaga oo u kicitimay degaamada Tog-wajaale ioy Gebilay, laakiin inkasta oo aan warar rasmi ah laga bixin sababta degdegga ah ee uu C/raxmaan Aw-cali ugu bixitimay degaamada Gebilay, hadana wararka qaarkood ayaa tibaaxay inay halkaa uga yeedheen qaar ka tirsan odayaasha iyo wax garadka degaamada Gebilay, taas oo la sheegay inay halkaa ku yeellan doonaan kulamo la xidhiidha arimaha doorashada.

Sidoo kale sida ay sheegeen warar u dhuundaloola xisbiga KULMIYE waxa gobolada iyo degmooyinka dalka intooda badan socdaalo la xidhiidha ololaha doorashada galaabixinaya madax iyo hawl-wadeeno ka tirsan xisbiga KULMIYE, iyadoo ay wararku intaa ku darayaan inay wufuud ay hogaaminayaan madaxda sare ee xisbiga Kulmiye dhowaan u kicitimi doonaan meelo ka mid ah gobolada Somaliland.

Top


Dhaq-Dhaqaaqa Xisbiyadu Sidee Buu Ugu Kala Sanqadh Badan Yahay Burco

Xisbiga UDUB Oo Markii U Horeysay Waxoogaa Dhaq-Dhaqaaq Ah Ka Bilaabay Hargeysa 

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga UDUB oo ka mid ah saddexda xisbi ee ku loolamaya tartanka doorashada madaxtinimada Somaliland ayaa shalay markii u horaysay dhaqdhaqaaqooda ololaha doorashada ka bilaabay magaalada Hargeysa, taas oo wadooyinka magaalada lagu arkayey waxoogaa baabuur ah oo iyaga oo kolonyo ah had-ba dhinac u tooraynayaa suuqyada magaalada. Sidoo kale xisbiga UDUB waxa uu isla shalay xafiis ka furtay xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, iyadoo ay xafladdiii furitaanka xafiiskaa hadalo ka jeediyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiga UDUB ee gobolka Hargeysa, waxaana ka mid ahaa ragga halkaa ka hadlay, gudoomiyaha xisbiga UDUB ee gobolka Hargeysa, C/raxmaan Ismaaciil Cadami iyo Khadar Daahir oo isna ah xoghayahah xisbiga UDUB ee gobolka Hargeysa. 

Dhinaca kalena Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsan ayaa magaalada Burco nooga soo diray warbixin ku saabsan xarakaadka ololaha doorashada iyo sida ay xisbiyadu ugu kala saamayn badan yihiin, wuxuuna warbixintiisa ku bilaabay:

"Marka la eego saddexda xisbi ee UCID, UDUB iyo KULMIYE siyaalo kala duwan ayuu ololahoodu uga dhex-muuqdaan ama looga dareemay magaalada Burco, laakiin labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID waxay hadda inmuddo ah magaalada Burco iyo hareeraheeda ka wadeen olole aad loo dareemay, iyadoo uu dhaqdhaqaaqooda aad loo dareemayo, taas oo aad kulamada iyo xarakaadka kale ka sokow arkayso baabuur ay dheegagga ka dheggan yihiin calaamadahoodu. Sidoo kale waxa toddobaadka magaalada Burco hareeraha uga kala baqoolay wufuud kala duwan oo xisbiga KULMIYE ah, kuwaas oo u kala bixitimay gobolada ioy degmooyinka, gaar ahaan degaamada bariga Somaliland (Sool iyo Sanaag), iyadoo ay dhinaca kalena magaalada Burco gudaheeda dhex-wareegayaan baabuur ay makarafoono ku xidhan yihiin oo ay ka baxayaan dhawaaqyo ay hawl-wadeenada iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE dadka ku kasbanayaaan. 

Sidoo kale xisbiga UCID ayaa isna ololihiisa ka wada magaalada, iyadoo magaalada dhexdeeda laga dareemayo xarakaadka iyo muuqaalada xisbiga UCID, laakiin xisbiga dawladda ee UDUB ayaan ilaa hadda dhaqdhaqaaqiisa laga dareemin magaalada Burco, iyadoo aan xafiisyadooda siigadii fuushay cidi ka hurfin, taas oo ay dadku iswaydiinayaan waxa helay xisbigii dawladda ee lagu waday inuu noqon doono xisbiga ugu sanqadha iyo durbaanka badan, laakiin waxay dad badani aaminsan yihiin in labada toddobaad ee foodda inagu soo haya ay cid waliba baallaha si weyn ula kala bixi doonto, hase yeeshee inta aan la gaadhin waqtiga soo socda waxay hadda dadku iswaydiinayaan xisbiga UDUB ma maalmaha u dambeeya ayuu doonayaa inuu ka dhextooso, mise wax kala ka si ah."

Top


Wararka Gebilay:Qaylo Dhaan Caafimaad

Gebilay (Haatuf): Maamulaha caafimaadka degmada Gebilay, Dr. Cali Maxamud C/laahi ayaa qaylo dhaan ka bixiyey xanuunada calool-xanuunka iyo jadeecada oo ku habsaday degaanka Allaybadday, iyadoo uu dhakhtarku sheegay inuu xanuunkaasi ka dhashay biyaha balliyada oo ay hadda gunta ku hadhay biyo dhoobo ah, biyahaasna ay dadku cabaan, taasina ay keentay xanuunadaa.

Dhakhtarku waxa kale oo uu sheegay in xarunta caafimaadka ee Alaybadday aanay haysan dawo lagu daweeyod dadka xanuunsanaya, sidoo kalena ay xaruntaa ka go'antahay oo aanay oolin kiimikada lagaga shaqeeyo shaybaadhka. 

Waxa kale oo uu maamulaha caafimaadka degmada Gebilaya sheegay inaanay shaqaalaha caafimaadka ee ka hawl gala rugta caafimaadka Alaybadday laga soo bilaabo bishii 8aad ee sannadkii 2002 helin wax mushahar iyo wax gunno ah toona. Sidaa awgeed Dr. Cali waxa uu dal-baday in dhibaatada caafimaad ee halkaa ka soo korodhay wax ka qabashadeeda si degdeg ah loogu soo gurmado, maadaama buu yidhi aanay rugta caafimaadka ee degmadaasi waxba ka qaban karin.

Top


Xisbiga UCID oo olole ka bilaabay Gebilay

Gebilay (Haatuf): Gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay socdaal la xidhiidha tartanka doorashada ku tagaan degmada Gebilay iyo degaamada ku xeerran , laakiin wefti xisbigiisa ka tirsan ayaa labadii maalmood ee ina dhaafay socdaal ku joogay degaamada Gebilay, weftigaas oo uu hogaaminayey xoghayaha abaabulka xisbiga UCID, C/semed Xasan Qalinle waxay halkaa ka wadeen olole la xidhiidha tartanka ololaha doorashada ee la filayo inay badhtamaha bisha Abril ee foodda inagu soo haysa dalka ka dhacdo, iyadoo dhinaca kalena ay weftiga xoghayaha abaabulka UCID u gogol-xaadhayeen socdaalka gudoomiyaha xisbiga lagu wado inuu ku tago degaamadaa.

Top


Wasiiru-dawle cusub Oo la Magacaabey

Hargeysa (Haatuf) madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii shalay magacaabay wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyadda.

Jagadan oo ah mid cusub waxa uu madaxweynuhu u magacaabay Nuux Sh. Cumar Sh. Muuse Ducaale.

Sida ku cad xeerka uu madaxweynuhu ku magacaabay wasiiru dawlahan oo ah xeer madaxweyne No:101/2003 waxa uu madaxweynuhu go'aansaday jagadan inuu magacaabo markuu arkay baahida weyn ee loo qabo iyo markuu la tashaday waxgaradka ummadda.

Top


Jilbo-Dhiig

Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale : 13aad 

Biixi markii uu fargalkeedii ka gudoomaya ayuu isaga oo farxad la dheelimanaya ku yidhi "Gacaliso nabadgelyo", ka dibna Biixi iyo Xayaad waxay kala dhaqaaqeen, iyadoo uu ninkii Biixi farxad iyo yididiilo hor leh la tiicayo, taas la kulankii Xayaad iyo weliba sidii ay u qaabishay iyo weliba hadiyadda ay gudoonsiisay uu uga dhignaa inuu gaadhay guul weyn oo qayb ka ah wixii uu higsanayey ee ahaa inuu nolosha la wadaago Xayaad oo uu jacaylkeeda la gooniyoobay. "Digaa xafash leh, qiiqna xolod baa leh, xiisiyo kalgacaliyo xadanto dumar baa leh"ayuu Biixi hoosta ka leeyahay, isaga oo cabiraya sida uu jacaylka Xayaad ugu weyn yahay. 

Laakiin Biixi isaga oo ka Shidaal qaadanaya sidii ay maalintaa Xayaad u qaabishay waxa uu isku qanciyey habeenkaa inay Xayaad laga bilaabo maanta gacantiisa midig tahay oo ay mustaqbalka dhow calool furan iyo heshiis ay isla ogolyihiin kula hoyan doono. Sidaa darteedna wuxuu aaminay in hadda iyo wixii ka dambeeya ay dhibaatadii daysay oo uu helay yartii uu oommanaa ee uu iyada mooyee ka dhaartay inuu gabadh tafteeda qabto. Hase yeeshee Xayaad keligeed go'aan may qaadane waxay hindisaheedii la xidhiidhay Biixi u bandhigtay hablo ay axsaab ahaayeen, iskuna ayni ahaayeen, laakiin gabdhihii ay la tashatay waxay u rideen babiso oo waxay ku yidhaahdeen anigu wiilkaa kugula talin mayno.

Xayaad intaa kuma joogsan ee waxay go'aansatay inay arinta ku qanciso dadka mahuraankeeda ah ee ay ka mid yihiin hooyadeed, laakiin markii ay arinteeda u bandhigtay ayey ka mashiiqsatay, waxayna ku tidhi "Naa kaa meel uu qabsado waayey ee qaawan ayaad doonaysaa inaad noo soo xerayso", iyadoo Biixi lagu quudhsanayo saboolnimo iyo inuu yahay nin caydh ah oo aan waxba haysan. Laakiin Xayaad iyo hooyadeed Siraad ayaa goor galab ah isku keliyeystay, ka dibna hooyo Siraad gabadheedii Xayaad indhaha ayey kaga dhacday oo bahal canaan ah ayey u dhigdhigtay, waxayna Biixi ka soo saartay uf iyo akhas, iyadoo tidhi, "Hooyo waxaad tahay gabadh loo hanweyn yahay oo reerkooda iyo ummadda kaleba qiimo weyn ugu fadhida, laakiin hadii aad wiilka yar ee caydhka ee qaawan xila moodo ogow inaad markaa god ku dhacday". 

Sidaa darteed Axsaab iyo ehel dadkii ay la tashatay waxay ku qanciyeen inaanay hungurayn wiilkaa yar ee aan adduunka haysan. 

Laakiin Xayaad ma noqon qof iska balfisa ama ka calool-adaygta talooyinka dad kale ee way u debecday, sidaa awgeed candhuufteeda ayey dib uga liqday Biixi iyo arintiisa, isla markaana waxay isku ciil-kaambiday weedhihii iyo dareenkii yididiilada xanbaarsanaa, ballanqaadkana aan ka tagganayn ee ay Biixi u muujisay maalintii ay fursadda wanaagsan u heleen inay kulmaan. Laakiin waxa is-tusay rajo kama dambays ah, sidaa darteed dhawr maalmood markii ay ka sii maqnayd ayuu raagsaday, wuxuuna hoosta iska waydiinayaa "tolow maxay ku raagtay oo ay jawaab kuugu soo celin wayday, laakiin waxba yaanan raagsan ileyn koleyba aniga ayey ii maqan tahaye."

Runtii Xayaad Biixi way heshay dabcigiisa, aftahamadiisa iyo raganimadiisa oo dhan, laakiin waxa keliya ee ay kaga walaacday faramadhnaanta, isla markaana waxa dareenka Xayaad aad u walaaqay taladii waswaaska lahayd ee ay kala kulantay axsaabtii iyo ehelkii mahuraankeeda ahaa ee ay la tashatay, sidaa darteed waxay go'aan ku gaadhay inay Biixi nagta u xarfiso oo aanay juuq dambe u odhan. Laakiin Biixi markii uu inmuddo ah wax war iyo wacaal ah ka waayey ayuu markii dambe go'aansaday inuu fariin meel uun u mariyo oo uu yidhaahdo "Gacaliso maxaa ku helay waan ku raagsadaye". Laakiin nasiib wanaag waraaqdii uu qoray isaga oo gacanta ku haya oo cid la doon doonaya ayuu helay gabadh shaqaale ka ahayd Xayaad gurigooda oo uu ku yidhi "Walaal waraaqdaa waxaad u geysaa Xayaad". Gabadhaasina markiiba way u geysay Xayaad dhambaalkii qoraalka ahaa ee uu u soo dhiibay Biixi...

La soco cadadka dambe.

Top


Garta xeer-beegti Iyo xeerarka Somalida

Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub
Q: 13aad

Gar dad-ban: Qoladii ergada ahayd markii ay yidhaahdeen gabadhaasi waa xaaskayagii ee hala siiyo ayey odayaashii Duulane waxay waydiiyeen Duulane iyo Maydhan arinta la sheegayo, laakiin waxay sheegeen inay isla soo tageen, ka dibna odayaashii Duulane xagiisa ka soo jeeday ayaa ergadii ku yidhi "Waad aragtaanoo garaw ma hayno, anaguna waxba ma ogin, idinkuna markhaati ma wadataan, sidaa awgeed noo dhaarta", ka dibna waxay yidhaahdeen "Waanu idiin dhaaranaynaa", intaa ka dibna waxa qoladii ergada ahayd laga shubay saddex walle, bille. Dabadeedna markii ay dhaartii dhacdaya ayey odayaashii Duulane yidhaahdeen "Arintii inagu cadaatay, nimankan reer hebel ee inoo yimina fan-dadab iyo xilo kala qaadis xeer uma lihin, inaguna hadda curin mayno oo taa xeer ka dhigi mayno, sidaa darteed Duulane ha soo celiyo Maydhan", laakiin Duulane waxa uu taa kaga jawaabay tix gabay ah, isaga oo yidhi "Col hay dilo, cadaabtii an tago, caanana an-waayo, cirku haygu soo dumo intaan celin lahaa Maydhan."

Duulane markii uu gabaygaa tiriyey ayey ilma-adeeradiina ku raaceen, iyaga oo sheegay inay hiil iyo hooba la barbar taagan yihiin, dabadeedna talo cirka ayey isku shareertay, ka dibna waxay taasi keentay inay labadii qolo kala bixi waayaan oo ay isku murgaan, laakiin rag labada qoloba u siman oo xigaalkood ah ayaa xaajadii ku soo gaadhay oo ku yidhi "Waar arinta nagu sima". Ka dibna waxa laga qaaday kalsooni iyo dhaar ah inaanay qolona diidayn wixii ay arinta ka soo gooyaan, dabadeedna labadii qoloba way bixiyeen kalsoonidii iyo dhaartii, laakiin markii ay qoladii dhexda ahayd arintii gorfeeyeen waxay gartii saareen qoladii Maydhan haysay, waxayna ku xukumeen 100 halaad oo ah ninkii Maydhan qabay ee waashay markii laga dhacay iyo xoolihii yaradka loogaga qaatay Maydhan oo ka koobnaa 50 halaad oo dhogor ah, Faras iyo Qori iyo weliba 50 halaad oo xaal qabiilo ah, iyadoo ay dhinaca kalena ay gabadhii Maydhan haysato wiil ay qolo waliba dhinaceeda ugu dacwiday inuu wiilkoodii yahay oo ay iyaga u dhashay, wiilkaasna waxa laga xukumay 50 halaad oo loo celiyey qoladii ergada ahayd ileyn waa gar muslax oo cidna ma qadisee. Laakiin marka aynu intaa kaga gudubno tusaalayaashii noocyada garaha, isla markaana gogol-xaadh u ahaa garta cadaawe oo u qaybsanta laba nooc oo kala ah: 

Gar-shareeco: Garta shareecadu waxay leedahay Millad (Dhaar) iyo Markhaati, isla markaana waxa u dhaqan ah "Carrab eegato", taas oo macneheedu yahay inay guddiga gar-qaadaysaa wax ku kala xukunto wixii ay afka ka yidhaahdaan dhinacyada dacwaddu ka dhexayso ama markhaatiyadu yidhaahdaan. Laakiin garta caynkaas ah waxa uu xukunkeedu yahay inaanay dadka waxba u qaybin ee ninkii gartu u dhacdo oo qudha wax siisa. Tusaale ahaan waxa la yidhi nin yuhuudi ah ayaa Caano u dhiibtay nin muslin ah, ka dibna ninkii muslinka ahaa ayaa caanihii yuhuudigu u dhiibtay qaar cabbey, dabadeedna ninkii Yuhuudiga ahaa iyo ninkii muslinka ahaa way is qabsadeen, ka dibna waxay isula tageen Nebi Maxamed (N.N.K.H) iyo Cali Binu Abii Daalib, dabadeedna ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa yidhi "Nebi allaw caano ayaan u dhiibtay ninkaa, dabadeedna caanihii ayuu badh iga cabay". Ninkii muslinka ahaa ayaa isna yidhi "waxba kama cabin", laakiin Cali Binu Abii Daalib oo arka caanihii oo ninkii muslinka ahaa calooshiisa ka muuqda ayaa is yidhi farta ku fiiq oo waxaad tidhaahdaa "Sow kuwaa calooshaada ka muuqda", laakiin nebiga oo is-ba arka ayaa Cali gacanta qabtay oo ku yidhi "Sug Caliyow waxaad aragto aniguba waan arkaaye". Ka dibna nebigii ayaa ninkii Yuhuudiga ahaa ku yidhi "Markhaati ma haysataa", Yuhuudigiina wuxuu ku jawaabay "Maya ma haysto markhaati", intaa ka dibna nebigu ninkii muslinka ahaa ayuu ku yidhi "Ku dhaaro inaanad caanihiisa badh ka cabbin', laakiin ninkii muslinka ahaa wuu ka joogsaday dhaartii, dabadeedna nebigii wuxuu ku yidhi ninkii muslinka ahaa "Ninka caanihii aad ka cabtay sii". Waayo hadii sidii Cali garta loo niqi lahaa suurtagal ma noqoteen, waayo inagu ma ogin waxa caloosha ku jira ileyn arintaa ilaahay baa xikmad uga dan lahaaye. Sidaa darteed gartu waxay u ka maarmin wayday in wixii la isku dafiro Millad ama markhaati lagu kala sed-qaado.

Gar-xisdi: Gartani waxay ka mid tahay garaha xeer-beegti, waxayna inta badan martaa inta ay marto garta shareeco. Laakiin inta aynaan u gelin aynu ugu horayn macnayno halka asal ahaan laga soo dheegtay ama laga soo xigtay saddexda erey ee kala ah: Gar, Xeer iyo Beegti.
Gar: Gar waa xadhiga dardarta leh ee inta ninka lagu xidho ka dibna geed qudhaanjo leh laga soo laad-laadiyo, isaga oo u xidhan sida askarta loo figeeyo.

Xeer: Xeerna waxa weeye xadhiga aqal Somaliga marka la dhiso dusha lagaga xeero ama Awrku marka uu raran yahay dusha lagaga xidho.

Beegti: ereyga beegtina waa ku beeggan (u qalma) ama aqoon u leh. Laakiin sida ay mihnad kasta ama uu mawduuc kastaa u leeyahay luqad ama weedho u gaar ah ayey gartuna u leedahay weedho u gaar ah (Thermanology), sidaa darteed inta aynaan gelin tafaasiisha garaha waxaynu marka hore baranaynaa erey bixinta garaha. Si aad u fahamtaa midhaha iyo macnaha garaha...

La soco cadadka dambe.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  1. Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  2. Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay MuuseShoodhe, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 112 aad

Mingistu: Somalidu dhulka Itoobiya ee ay sheeganayaan ee ay leeyihiin anaga ayaa leh oo waxa naga haysata Itoobiya waxa eegay oo aad ugu gondodegay dawladdii midowgii Sofiyeti ayaa arkay inaanay Somalidu wax caddayn ah u hayn sheegashadeeda, ka dibna markii ay Somalidu ku qanci wayday taa ayuu ku yidhi "Anigu mar hadii aan ilaa heerkan idin soo gaadhsiiyey, hubna waan idin siiyey markaa idinka ayay idiin taal waxa aad yeelaysaan". 

Sidaa darteed markii uu Sofiyet-ku sidaa ugu jawaabay Somalida ayey is yidhaahdeen "Hadii uu midowga Sofiyeti inooga eexdo Itoobiya oo ay culays ina saaraan, iyaga oo inaga horjoogsanaya sidii aynu u suurtagelin lahayn ujeedadeena maxay noqonaysaa talaabada taa ka dambaysa ee aynu qaadaynaa", iyadoo ay mawqifka noocaas ah inay Somalidu qaadato ay ka dambeeyeen dawladaha Sucuudiga iyo Iiraan, Ka dibna dawladdii Somaliya waxay xidhiidh la yeesheen guud ahaan dalalka reer galbeedka, gaar ahaana Maraykanka, waxayna markaa somalidu bilaabeen inay is hortaagaan kacaanka ka curtay Itoobiya, dabadeedna cadawyadu way noo tashadeen, iyaga oo xabashidii Itoobiya gudaheeda ee aanu la dagaalamaynay ee aanu doonaynay inaanu la soo noqono dhulkayagii boqortooyadu qaadatay ayey ku yidhaahdeen, "Hadii aad nala safataan, sidoo kale anaguna waanu idin caawinaynaa", iyadoo ay waxyaalahaasi dhacayeen xiligii uu Jiimi Karter dalka Maraykanka ka talinayey, isla markaana dalka arinta caynkaas ah ee nalagula dagaalamayey waxay u ahayd fantasiye weyn, waayo dawladda Maraynkanku waxay dantu ku khasbaysay inay labada wadan (Itoobiya & Somaliya) mid uun hesho Itoobiya ama Somaliya, sidoo kale waxa iyaduna aragtida Maraykanka oo kale qabtay dawladdii Midowga sofiyeti oo iyana doonaysay inay labada wadan mid uun hesho. Sidaa awgeed talaabooyinka aanu qaadanaynay ee aanu arimahaa kaga hortegaynay waxay ahaayeen kuwo degdega ah.

Somalida Itoobiya waxay daliil ka dhiganayeen boqortooyada ayaanu la dagaalamaynaa, laakiin may lahayn wax ujeedo ah oo macno leh, laakiin marka la eego degaanka iyo khayraadka ay leeyihiin ma aha wax soo jiidasho leh, sidaa darteed keliya waxay ku ciyaari karayeen inay labada dhinac (Itooboya & Somaliya) dhex bood-boodaan oo ay ka dhex faa'iidaystaan, maadaama ay caawimo naga heli jireen qolooyinka kale ee aanu colka nahay, sidaad darteedna waxay heleen rajo ay ku dagaal geli karaan, waxayna isu diyaariyeen sidii ay u dagaal geli lahaayeen.

Mucaarad kale ee dalka gudihiisuna waxay ku dedaalayeen inay dalka gudihiisa qalalaase ka sameeyaan, sidaa awgeed maadaama ay dalka Itoobiya gudihiisa colaadi ka fuftay ayey Somalidu is tuseen inay maanta u tahay fursad wanaagsan oo ay ka faa'iidaysan karaan, iyaga oo isku qanciyey inaanay jirin maalin maanta uga wanaagsan, ka dibna way na soo weerareen...

La soco cadadka dambe.

Top


AHMIYADDA MASAAJIDADA IYO BAAHIDA LOO QABO DHISMAHOODA

Masaajidku waa hoy cibaado iyo dugsi waxbarasho oo aanay Muslimiintu ka maarmi karin. Meel kasta oo ay degaanna intaanay wax kaleba u dhaqaaqin, waxa lama huraana inay masaajid ka dhistaan, waayo masaajidku ahmiyad gaar ahaaneed oo aan la qiimayn Karin ayuu nolosha qofka Muslimka ah ku leeyahay. Nebiguna (Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) markuu madiina u haajiray mashruucii u horreeyey ee uu hirgeliyey wuxuu ahaa dhisme masaajid.,iyo muslimiintii uu walaaleeyey, ooahaa muhaajiriintii iyo Anasaara. 

Masaajidku wuxuu ahmiyadda ku yeeshay doorka weyn ee uu ka qaato diinta Islaamka, carbinta iyo laylinta qofka Muslimka ah, jamaacada iyo mujtamaca oo dhan. Hooy cibaado ka sokow, masaajidku waa hooy waxbarasho oo lagu barto usuusha Diinta, Caqiidada iyo shareecada. Dadka masaajidka imaatinkiisa qabatimaana waxay markay ku socdaan, dhex joogaan, ama ay ka soo laabtaan, u socda ajar aan la qiyaasi karayn. Waxa kale oo ka dhex abuuranta walaaltinimo iyo xidhiidh sokeeye. Waxay noqdaan qaar iska war haya, dadka kale isaga dhow oo wada tashada, waxna wada qabsada, iscaawiya oo iska warhaya. 

Masaajidku waa il ka mid ah ilaha jannada, oo Raxmada Alle ku soo degto, Naxariistiisuna ay hadhayso, habeenkiina nuur ayaa ka baxa malaa'igtu soo eegato. Sidaas darteed masaajidku wuxuu leeyahay qushuuc gooni ah iyo dareen gaar ahaaneed waayo waa meel Ilaahay lagu caabudo. Waanada aad gudihiisa ku maqashaana si gooniya ayey kuu damaqdaa, si dhab ahna raad ayey kuugu yeelataa waayo waa guriggii Ilaahay. Masaajidku waa meel lagu tababaro qofka Muslimka ah, laguna layliyo wacdiga Aayadaha Qur'aanka iyo Axaadiista Rasuulka (Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) Carbiskaasina wuxuu qofka ku hagaa Dariiqa Mustaqiimka ah (toosan). Wuxuu noqdaa fuliyaha amarada Ilaahay, kana waantoobaa denbiyada la inooga digay ee inaga reebban. 

Halkaasna waxa ka abuurma qof si dhaba diinta ugu dhaqma. Wuxuuna noqdaa mid hagaaga. Hadii qofqof loo hagaagana, waxaa iyana hagaagta jamaacada meesha ku wada tukata oo dhan. Hadday jamaacadu hagaagtana waxaa hagaaga mujtamaca guud oo isna qabatima Islaanimada. Waa wax isku wada xidhan. Haddaan aasaaska la toosinna, baarka sare lama toosin karo. Wakhtigii Nebigana (Nabad-gelyo iyo Naxariisi Korkiisa Ha Ahaato). Wuxuu masaajidku ahaa xarunta nolosha Muslimiinta laga maamulo. Wuxuu ahaa goobta ay dacwaddu ka bilaabmato, Xarrunta Guud ee ciidamada laga kala diro, hogaamiyayaashana lagu magacaabo, Maxkamada dadka lagu gar-naqo, xarunta zekada lagu qaybiyo, iyo waliba hooyga saboolka saxaabada iyo dadka socdaalka ah. 

Sida xaqiiqadu tahayna masaajidku wuxuu si wax ku ool ah u raadeeyaa nolosha qofka Muslimka ah. Waayo qofka masaajidka qabatimaa waxa uu badsadaa dhegaysiga khudbadaha Jimcayaasha iyo muxaadarooyinka diiniga ah. Wuxuuna noqdaa qof uu wacyigiisa diineed kor u qaadmo, Iimaankiisuna uu xoogaysto. Wuxuu noqdaa Muslim dhab ah oo u dhaqma sidii Ilaahay iyo Nebigiisu (Nabad-gelyo iyo Naxariisi Korkiisa Ha Ahaato) ay fareen. Qofka masaajidka tegidiisa badsadana waxa gala dareen ah inuu Ilaahay ku xidhan yahay, maganna u yahay. Qof Ilaahay ku xidhani nasiib badanaa!!

Masaajidku door xasaasi ah ayuu ka qaataa hagidda iyo toosinta Muslimiinta. Waayo maalin kasta shan goor ayaa laga eedaamaa, shan salaadoodna waa lagu tukadaa. Toddobaad kastana khudbada Jimceed ayaa ka baxda. Sidaa awgeedna,masaajidka dadka ayaa lagu baraarujiyaa oo tegiddiisa lagama maarmikaro. Dhamaan Muslimiinta waxa waajib ku ah inay meel kasta ka dhistaan masaajiddo ay Ilaahay ku caabudaan, Diintana ay ku bartaan. Hoyga cibaado kasokowna waxay u baahan yihiin goob ay ka duulaan oo ay dacwadda kagaadhsiiyaan dadka aan Muslimka ahayd oo ay waajib inagu tahay inaynu gaadhsiino diinta Islaamka. 

Hadaba dadweynha soomaalida waxaan ku boorinayaa inay ka qayb qaataan dhismaha masaajida. Deeqday bixiyaan waxay u noqonaysaa sadaqa ajarkeedu u socondoonto ilaa maalinta qiyaame. Waxaa suura gal ah in qofka maanta ka faa'iidayta fursadan oo wax u bixiya in Ilaahay u labanlaabi doono, todoba boqol oo jeer ama ka badan (Ilaah idankiis). Waayo lacagta ayuu waayi ama qof uusiiyo ayuu waayi ama waa uu ka dhiman. Alle (Subxaanahu Wa Tacaalaa) waxa uu yidhi: kuwa iimaanka laga helayow wax bixiya waxaan idinku arsaaqay qaarkood ka hor intaanay iman maalinta (Qiyaamaha) aanay gudaheeda jirin wax la kala iibsado, saaxiibtinimo iyo isu-shafeeco qaadis (midna) {Al-Baqarah:254}. Cusmaan bin Cafaan(Irhka) wuxuu soo weriyey inuu Nebiga(Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) yidhi: qofka masaajid dhisaa , Ilaahay ayaa janada guri uga dhisa. 

Allah (SW) wuxuu qur'aanka inoogu sheegay in "kuwa xaqa rumeeyey ee camalka fiican fala inuu dhaxalsiin doono dhulka siduu u dhaxal-siiyey kuwii ka horeeyey; wuxuuna makanin Diintooda uu uga raali noqday; cabsiday ku noolaan jireenna wuxuuna ugu beddeli doonaa nabadgelyo; keligay ayay i caabudi doonaan cidna (caabudaadda) ilama wadaajinayaan" {An-Nuur:55} 

Top


IFTIINKA ISLAAMKA

Siciid Guraase

Xulashada Asaxaabtii Nebiga (SCW): cadiyu Ibnu Xaatim Al-Daa'i Ahmiyadda Masaajidada

Caddiyyu oo boqor ah, welibana aan islaamin: 
Sannadkii sagaalaad ee hijriyada ayaa waxaa diinta Islaamka u hoggaansamay boqor ka mid ah boqorrada carbeed, ka dib markii uu in fara badan ka biyo diiday. Iimaanka ayuu u jilcay, ka dib markuu madax adeyg iyo ka jeedsi fara badan la yimid. Wuxuu Rasuulka (scw) siiyay oggolaansho buuxda, ka dib diidmo dabadeed. Ninkaas aan tilmaamnay waa Caddiyyu Ibnu Xaatim ee qabiilkiisu reer"ddaa'i-ga" ahaa kaasoo looga tusaalo qaato deeqsinimada aabihiis. 
Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu boqortooyada ka dhaxlay aabihiis, reerkiisana isaga ayeey boqortooyada u caleemo saareen, sidaa darteed maalka ay tolkiisa soo dhacaan wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim saami ahaan ugu lahaa afar meelood meel. Markii uu Rasuulka (scw) sare u qaaday dacwadii hanuunka iyo xaqa, carabtiina ay Nebiga u hoggaansatay jilibba-jilib dabadii ayaa wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim u arkay dacwada Rasuulka mid khatar gelinaysa madaxtinimada iyo boqortooyadiisa. 

Sidaa darteed wuxuu Caddiyyu Ibnu Xaatim u qaaday Rasuulka cadaawad aad u daran, iyadoo uu weliba aanu garan Rasuulka. Wuxuu xaaladdaas cadaawadeed ku sugnaa muddo gaadheysa labaatan sanno, jeer uu markii danbe Alle (sw) laabtiisa ku waasiciyo nuurka iyo iftiinka hanuunka Islaamka. Haddaba, islaamidda uu soo islaamay Caddiyyu waxaa ku dhex jirta sheeko aan marnaba la illoobi karin. Aan marka isaga u deyno si uu noogu sii dhiraan-dhiriyo dhammeystirka sheekadiisa, maxaa yeelay isagaa ku habboon inuu sheekada weriyo. 

Naceybkii Caddiyyu ee uu qabay Rasuulka: 
Caddiyyu Ibnu Xaatim wuxuu yidhi: Ma jrin qof iga necbaa Rasuulka ka dib markaan maqlay. Waxaan ahaa nin ay dadkiisu maamuusaan, sidoo kalena waxaan ahaa nin kiristaan (gaal ah) ah. 
Waxaan ahaa nin tolkiisa ku dhex nool, oo xoolaha ay tolkiisu ka soo helaan dagaallada afar meelood meel ayaan ku lahaa, sidii ay sameyn jiraynba boqorrada carbeed. Hase ahaatee, markaan maqlay Nebi Muxammad waan la coleeytamay oo waan dhibsaday, laakiin markay arrintiisu bannaanka timid, awooddiisuna ay fidday ayna bilaabeen ciidamadiisa iyo ilaaladiisa daggaalka in ay ku fideen barriga iyo galbeedka dalalka carabta ayaa waxaan ku idhi wiil adeegahayga ahaa oo geellayga ii raaci jiray: "waxaad ii diyaarisaa neefaf geel oo goolal (cayilan) ah oo weliba hayin ah, waxaadna iigu xidhaa meel ii dhow. Haddaad maqashid ciidamada ama ilaalada Muxammad oo yimid magaalada durbadiiba ii sheeg."Goor subax barqin ah ayaa waxaa xaggeyga soo aaday wiilkii shaqaalahayga ahaa, isagoo igu leh: "wixii aad damacsanayd inaad sameyso haddii ay magaaladaada soo galaan fardihii iyo ciidankii Muxammad hadda sameeyey". Waxaan ku idhi: "hooyadaa gablante'e maxaa dhacay?!". Wuxuu yidhi: "waxaan arkay calamo daaf-wareegaya guryaha, markaan weydiiyay cidda ay yihiinna waxaa la igu yidhi waa ciidankii Muxammad". Waxaan ku idhi, haddaba waxaad ii soo diyaarisaa geelii aan horey kuu faray". Isla saacaddiiba waan kacay, waxaan faray ehelkayga iyo caruurtaydaba in laga guuro dalkii aan weliggeen jeclayn. Waxaan billaabay inaan socod-boobo, anniga oo weliba ku socda dhinaca gobolka Shaam si aan u haleelo dadka aan isku diinta ahayn oo aan iyaga la deggo. Waxaan ka soo tagay gabadh aynu walaalo ahayn: 

Arrinkii qaxa waxay iga deddejisay inaan raad-goobo dhammaan ehelkayga. Markaan dhaafnay meelihii khatarta lahayd ayaa waxaan isha mariyay ehelkaygii, waxaana ogaaday inaan ka soo tagay gabadh aynu walaalo ahayn, iyadoo aan uga soo tagnay meeshii la odhan jiray: "NAJD". Suurto gal iima ahayn inaan iyada u laabto, waan sii soconnay ilaa aan ka nimid dhulkii Shaam, halkiina ayaan iskala deggay dadkii aynu isku diinta ahayn. Hase yeeshee walaashay waxaa qabsaday wixii aan uga cabsanayay. 

Anniga oo jooga Shaam ayaa waxaa i soo gaaray warar sheegaya in fardihii ciidamada Muxammad ay weerareen guryahayagii , isla mar ahaantaana ay kaxeesteen dad ay ku jirto walaashay, iyadoo loo sii waday magaalada Madiina.

Naxariista Nebiga ee dumarka: 
Gabadhii aan waalaalaha aynu ahayn waxaa lagu daray dadkii la soo qabqabtay, iyagoo la dejiyay meel u dhow idhidka masjidka. Waxaa meeshii soo maray Nebiga (scw), gabadhii markay aragtay Nebiga ayaa waxay ku tidhi: "Rasuulkii Alloow aabahay wuu dhintay, kii walaalkay ahaana waa la waayey ee igu galladayso Ilaah ha kugu galladaystee". Rasuulka ayaa ku yidhi: "waa kuma walaalkaa?". Waxay tidhi: "waa Caddiyyu Ibnu Xaatim". Rasuulka: "Ma kii Alle iyo Rasuulkiisa ka cararay baa?!", intaa ka dib wuu isaga tagay Rasuulka. Maalintii danbe ayaa waxaa haddana soo maray Rasuulka, waxayna ku tidhii hadalkeedii hore oo kale, sidii oo kale ayuuna Rasuulka ugu jawaabayay. 

Maalintii saddexaad ayaa Rasuulkii soo maray, goor ay gabadhiina Nebiga ka quusatay. Hase yeeshee nin meesha fadhiyay ayaa gabadhii ku yidhi, orodoo u istaag oo la hadal Nebiga, markaas ayeey istaagtay oo mar kale ku tidhii: "Rasuulkii Alloow aabahay waa dhintay, kii walaalkay ahaana waa la waayey ee igu galladayso Ilaah ha kugu galladaystee". Rasuulka (scw) ayaa si naxariis ku jirta u yidhi: "waan falay" (macnaha dalabkaaga waan aqbalay). 

Gabadhii ayaa Rasuulka ku tidhii: haddaba, waxaan doonayaa inaan haleelo ehelkayga jooga Shaam". Wuxuu yidhi: "laakiin socdaalka ha ku degdegin jeer aad ka hesho cid tolkaaga ah oo aad ku kalsoon tahay si ay kuu gaadhsiiyaan Shaam, sidaa darteed haddaad heshid cid aad ku kalsoon tahay ila soo socodsii". Markii uu damcay Rasuulka inuu dhaqaaqo, ayaa waxay gabadhii weydiisay ninkii u sheegay inay Rasuulka la hadasho, waxaana lagu yidhi wuxuu ahaa Cali Binu Abii Dhaalib.

Magaaladii Madiina ayeey iska degganayd jeer ay maalintii danbe ay magaalada yimaadaan koox socoto ah oo ay ku kalsoon tahay, kolkaasna waxay u timid Rasuulka (scw) oo waxay ku tidhii: "Rasuulkii Alloow waxaan helay dad socoto ah oo tolkayga ka mid ah oo aan weliba ku kalsoonahay kuwaasoo i gaadhsiinaya magaaladii ay joogeen ehelkayga. Rasuulka (scw) wuu ka aqbalay codsigeedii, isagoo arad-bixiyay, wuxuu kaloo siiyay neef geel ah oo ay ku safarto, dhinaca kalena wuxuu siiyay nafaqo ku filan inta ay safarka ku jirto. Gabadhii waxay raacdey dadkii socdaalka ahaa. Caddiyyu wuxuu yidhi: Intaa ka dib waxaan billawnay inaan raadinno wararka gabadha, iyadoo aan sugayno imaanshaheeda, innagoo weliba aan sigayno inaan rumeysano wixii naga soo gaarey ixsaankii Muxammad iyo asxaabtiisa ay u galeen walaashay. Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxaan dhex fadhiyay ehelkayga markii aan arkay haween saaran gurada awrta ayna xaggeena u soo socoto. Waxaan is idhi: ma ina Xaatim baa, alla waa iyadii ayaan is idhi markaan hubsaday inay iyada tahay. 

Markay na dul-istaagtay waxay tidhi: "ma kii raxim-gooska ahaa ee daalimka ahaa miyaa, waxaad soo wadatay xaaskaagii iyo caruurtaada, waxaadna ka soo tagtay walaalahaaga tii ugu yareyd (waa iyada)."

Waxaan ku idhi, walaal waxaan kheyr ahayn ha odhan, waxaan bilaabay inaan sasabo oo aan raalli geliyo ilaa ay ka raalli noqotay, ayna iiga sheekeesay wixii ay la kulantay. Wararkii ay sheegtay waa wararkii aan hore u maqalay, waxaana ku idhii -waxay ahayd gabadh caqli badan lehna go'aan adag-: "maxaad ka leedahay arrinka ninkan (wuxuu ka wadaa Nebi Muxammad scw).

Waxay tidhi: "wallaahi waxaan arkaa inaad sida ugu dhaqsaha badan aad u haleesho, hadduu Nebi yahay waa kii loo degdegi lahaa fadligiisa, hadduuse boqor yahay agtiisa dulli marnaba kuma noqonaysid."

Waxyaabihii saameeyay islaamka Caddiyyi Ibnu Xaatim: 
Caddiyyu wuxuu yidhi: waxaan u diyaar garoobay safar, annigoo u kicitimay magaalada Madiina, waxaana u soo galay Rasuulka (scw), waxaana hore aan u maqlay inuu yidhi: waxaan rajeynayaa inuu Ilaah gacantayda ku dhigo gacanta Caddiyyi, waan salaamay isagoo ku jira masjidka. Wuxuu yidhi: "waa kuma?". Waxaan iri: "waa Caddiyyu Ibnu Xaatim". Wuu ii soo istaagay, ka dibna wuxuu i qabtay gacanta isagoo ii kaxeeyay gurigiisa. 

Wallaahi ayaan ku dhaartaye wuu i sii waday jeer uu waddada kula kulmay haweeney tabardaran oo weliba waayeel ah, waxayna la socotay wiil yar. Haweenaydii waxay istaajisay Nebiga, waxayna billowday inay kala hadasho danaheeda, wuu la istaagnaa ilaa uu u dhammeeyo danaheeda. Naftayda ayaa waxaan ku idhi: "Wallaahi kani boqor ma ahan."

Gacanta ayuu haddana i qabtay ilaa aan ka nimid gurigiisa. Wuxuu soo qaaday barkin ka sameysan harag, isagoo xaggeyga ku soo tuuray iguna leh: ku fadhiiso". Intaan ka xishooday baa waxaan ku idhi: maya adiga ayaa ku fadhiisanaya. Wuxuu yidhi: maya adiga ayaa ku fariisanaya. Markaas ka dib ayaa waxaan u hoggaansamay amarkii Rasuulka (scw) oo waan ku fariistay, halka uu isaga fariistay dhulka, sababtoo ah guriga ma lahayn waxaan ka ahayn barkintaas. Naftayda ayaan markale ku idhi: Arrintani iyo boqornimo kala dheer."

Intaa dabadeed xaggeyga ayuu soo milicsaday, wuxuuna igu yidhi: "Caddiyyiyoow, miyaadan ahayn nin Rukuusi oo diin ka dhigta diinta kidhistaanka iyo diinta Saabi'iyada?". Waxaan idhi: "haa oo waa runtaa". Wuxuu yidhi, miyaadan ahayn nin tolkaaga ka qaata afar meelood meel (maalka ay dagaalka ka soo dhacaan), taasoo ayna diintaada kuu banneynin?" Waxaan idhi: "haa", iyadoo aan garowsaday inuu yahay Nebi xagga Rabbi laga soo diray. Wuxuu haddana igu yidhi (Nebigu): 
"Waxaa laga yaabaa Caddiyyiyoow, inay kaa reebayso inaad diinta soo gasho waxa aad aragto ee fuqurada muslimiinta ah, Wallaahi ayaan ku dhaartaye waxay u dhawdahay in maalkii uu daaddaato muslimiinta dhexdooda jeer laga waayo cid qaadata. 

Ma waxaa laga yaabaa -Caddiyyiyoow- inay kaa reebayso inaad diinta Islaamka soo gasho waxa aad aragto oo ah tidhiada yar ee muslimiinta iyo cadoowgooda oo badan, wallaahi waxay u dhowdahay inaad maqasho haweeneey ka safraysa magaalada Al-qaadisiyyah iyadoo saaran awrkeeda jeer ay ka soo booqato gurigan (kacbada-Makka) iyadoo aynan cidna ka cabsanaynin aan ka ahayn Ilaah. 

Waxaa laga yaabaa inay kaa reebayso inaad soo gasho diinta Islaamka aragtida aad aragto boqortooyada iyo awoodda oo ay gacanta ugu jiraan gaalada, Ilaah ayaan ku dhaartaye waxay u dhawdahay inaad maqasho daarihii cad-caddaa ee dhulka Baabil (magaalo ku taalla Ciraaq) oo ay furtaan muslimiinta, keydihii boqorka Kisraa Binu Hurmuzna ay iyaga la wareegeen". 
Waxaan idhi: "Ma boqorkii Kisraa Binu Hurmuz!?". Wuxuu yidhi: "haa keydihii boqorka Kisraa Binu Hurmuz". Caddiyyu ayaa yidhi: "markay arrintu halkaas marayso ayaa waxaan qiray shahaadadii xaqa, waana islaamay."

Caddiyyu Ibnu Xaatim Ilaah ha ka raalli noqdee wuu cumriyay oo wuxuu noqday waayeel, wuxuuna odhan jiray: "waxaan xaqiijiyay labo ka mid ah waxyaabihii uu Nebiga sii sheegay, waxaase ii hartay hal qayb, wallaahi ayaana ku dhaartaye taasna waa tii timaaddo". 
Caddiyyu wuxuu yidhi, waxaan arkay gabadhii oo ka soo safraysa magaalada Al-qaadisiyyah iyadoo saaran awrkeeda welibana ayna cabsanaynin ilaa ay ka timaaddo magaalada Makka. Dhinaca kale annigaaba ka mid ahaa fardoollaydii ugu horeeyay ee weerartay, qaadatayna keydihii boqorka Kisraa. 

Waxaan ku dhaaranayaa inuu yabooha saddexeadna imaanayo. Caddiyyu wuxuu yidhi: Wuxuu Ilaah doonay inuu xaqiijiyo hadalkii Nebigiisa naxariisyo iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxayna dhacday yaboohii saddexaad xilligii khilaafadii zaahidka caabidka Cumar Binu Cabdul-caziiz, markii maalkii meel la kala geeyo la waayey jeer laga arko nin ku dhawaaqaya: "yaa ii imaanaya oo iga qaadanaya maalkii zakada oo cidna ayna imaanaynin" (xilligan waxaa xilligii dowladdii Cumar Binu Cabdul-caziiz, waxaa la yidhaahdaa inuu dowladdiisa soo saaray qaraaro fara badan oo uu ku kafaalo qaadayo ummadda gaar ahaan fuqurada iyo dadka aan waxna haysan., sida qofkii doonaya inuu guursado isla markaasna aan haysan hanti uu ku guursado inuu maalkaas ka heli karo sanduuqa dowladda, sidoo kalena ciddii lagu leeyahay deyn isla markaasna aan awoodin inay iska bixiso in sanduuqa dowladda uu ka heli karo iwm. 

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Hala Taageero Ciraaq

Tilifishanka hadaad furtid hadii aad joornaalka akhrisatid waxaad arkaysaa inay markasta ay qadiyada koowaad ay noqotay qadiyada ciraaq taas waxaad ka garanaysaa awooda iclaamiga wayn ay leedahay dagaalkan ay maraykanku ku qaadayaan ciraaq runahaantii hadii aan dagaalkaas ku aragno il carbeed waxaan odhan karnaa in ay shacabka carabtu ay ka soo horjeedaan dagaal lagu qaado ciraaq balse ay ogsiin yihiin inayna waxba ka badali karin ama joojin karin wadciga hada yaala sidii uu dagaalkii hore ee khaliijka uu sadaam xusayn ku duulay kuwayt ayay qadiyadan cusub ukala burburisay dad walaala ah oo markiiba burbursanaa carabtu waxay aad iyo aad uga soo horjeedaaan dawrka ay xukuumadahoodu ka ciyaarayaan duulaanka lagu qaadayo ciraaq dawrkaas oon u qaybin karno sadex qaybood:

  1. dawlado si cad u sheegay inay taageerayaan maraykanka oo siiyay bartilmaameed uu kaga duulo dalka ciraaq waxaa dawladaa hogaan u ah kuwayt oo 12 sano ka warwarsanayd nidaamka sadaam xuseen ee dhinaca woqooyi kaga beegan oo hadh iyo habeenba sheegaya inuu kuwayt uu iska leeyahay uu qabsan doono nidaamkasta oo badala sadaam xuseen waxay aragtaa kuwait inuu ka roonaan doono kuwait dawladaha kale ee kuwait dhufayskaa kula jira waxa ka mid ah qadar iyo baxrain

  2. dawlado kale oo cambaaraynaya maraykanka balse hadana hoosta ka siinaya caawimo kuwaas oo ay u badanyihiin dawladaha carabtu iyagoo ka baqanaya inay shicibkoodu ku kacaan waxay dantu ku khasabtay inay maraykanka la shaqeeyaan isagoo maraykanku uu isticmaalo awoodiisa uu ugu khasbo dawladahaas inay kaalin ka qaadato weerarka uu ku qaadayo ciraaq kaasoo oo aanay ku imanayn oo kaliya inay ciidamo soo diraan ama dhulkooda laga weeraro ciraaq ama inay taageero siyaasadeed siiyaan maraykanka balse waa in aannay moogaan xanaaqa shacabkooda iyo inay u shaqeeyaan sidii sadam xusayn loo cabudhin lahaa.

Run ahaantii ka dib sanado badan oo xukunka uu sadaam xusayn hayay wuxuu si fiican u kasbaday cadawtinimada xukaamta carabta ka soo bilaw masar kuwaitna may ahayn maxadadii ugu danbaysay sadam xusayn wuxuuu had iyo goor uuna u qarin xukaamta carabta inay daba dhilif u yihiin maraykanka taas oo keentay inay shucuubta carabtu u aragto inuu yahay nin hogaamiye wayn oo carbeed taasna dabcan waxay ka xaanaajisay xukaamta carbeed oo u arkay sadam xusayn inuu yahay nin qalalaase ka kicin kara mandiqada ama handidi kara kuraasidooda shaki kuma jiro inay dhamaantood hoosta ka ducaynayaan inuu sadaam xusayn dhaco taasna waa wax ayna inkirayn inkastooy muujinayaan inay diidsanyihiiin habka loo ridayo si ay u kasbadaan shacbigooda.

Hada oo dagaalkii uu bilaabay dawladaha carabtu si ay u dajiso kacaanka ba'an eee dadwayneheeda waxay ku khasbantahay inay muujiso taloobooyin laga dhadhin karo inay ka soo horjeedo dagaalka isla marahaantaana ay washinton u diraan waraaqo ay ku muujinyaan inay raali ka ahaato haday si kulul u cambaareeyeen taasoona ahayn maraykan diid ahayna shacabjacayl balse ay tahay kursi jacayl sadam xusayn wuu hawaawiyayaa haduu is yidhaahdo waxaa u soo gurman doona shacabka carbeed ee ay xakumaan maamulo ku taxakuma awooda muwaadiniiintooda una saamixin muwaadinka carabi inuu ra'giisa muujiyo dagaalku waa soconayaa anaguna waan daawanaynaa dhamaan carabtuna way nala daawanayaan hub aan maraykanka kula dagaalamno ma haysano mana awoodno inaan u gargaarno reer ciraaq habaarkii aan habaaraynay maraykankana wuuu kici waayay waxa keliya ee dagaalka waa maraykan oo guulaysta ama mucjisad ilaahi ah taas waaa riyada dad badan

Axmed Iid Obsiiye (Catoosh)
Cadan_Yaman

Top


Xeerka Doorashooyinka

Qodobka 53aad
Codadaka Xumaadda ama lagu muransanyahay

  1. Waraaqaha cod-bixinta marka la tirinayo waxay noqonayaan waxba kama jiraan:

    1. Haddii ay ka duwan yihiin waraaqaha cod-bixinta ee komishanku gartay in doorashada loo isticmaalo

    2. Haddii aanay lahayn shaambadda goobta cod-bixinta 

  2. Waraaqaha cod-bixinta ee la tiriyey waxay noqonayaan waxba kama jiraan haddii:-

    1. Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqdaan qoraal ama calaamado ama raad si xirfad leh loo soo agaasimay oo aan loogu talo-gelin in lagu qoro.

    2. Haddii warqadda cod-bixinta aanay si fiican uga muuqan karin ururka/xisbiga codka la siiyey wax ka badan

    3. Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqato in cod-bixiyuhu calaamadeeyey hal astaan xisbi/urur wax ka badan.

  3. Codka waxba kama jiraan wuxuu noqon karaa marka go'aan wada jir ah isku raacaan hawl-wadeenada goobta cod-bixintu. Haddiise ay isku raaci waayaan oo ay ku kala qaybsamaan, waxa waraaqahaas cod-bixineed loo aqoonsanayaa kuwo muran ka taagan yahay. 

  4. Xafiiska doorashada ee degmada ayaa go'aan ka gaadhi kara waraaqaha cod-bixinta ee muranku ka taagan yahay.

Qodobka 54 aad
Qoraalka raad raaca goobta codbixinta

  1. Qoraalka raadraaca ee goobta cod-bixinta waxa la qorayaa foom loogu tala-galay oo saddex nuqul ah, kaas oo komishanku u soo diyaariyey.

  2. Laba nuqul oo qoraalka raadraaca ka mid ah waa in lagu rido saxaradda oo la raaciyo baqshadda lingaxan xafiiska doorashada ee gobolka, iyadoo la raacinayo wixii ka hadhay agabkii doorashada ee kala duwan.

Qodobka 55aad
Qaadista iyo Wareejinta Qalabka

  1. Gudoomiyaha goobta codbixinta oo ugu yaraan ay la socdaan xubin hawlwadeenada ka tirsani iyo boolis ilaalo ahi ayaa qaadaya qoraalka raadraaca iyo baqshadaha goobta kuna wareejinaya xafiiska doorashada ee degmada, iyadoo aan lahayn wax dib u dhac ah.

  2. Marka xafiiska doorashada ee degmada lagu wareejinayo baqshadaha waa in la hubiyo inay lingaxan yihiin oo aan la furin lana farafarayn. Gudoomiyaha doorashada ee degmadu waa inuu bixiyo caddaynta la wareegida agabkaas.

  3. Gudoomiyaha doorashada ee degmadu wuxuu gudbinayaa baqshadaha natiijada cod-bixinta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo lingaxan iyo nuqulka saddexaad ee qoraalka raadraaca gudoomiyaha xafiiska doorashada gobolka.

Qodobka 56aad
Shaqada Xafiiska Doorashada Ee Degmada

  1. Markuu gudoomiyaha xafiiska doorashada ee degmadu helo agabka lagu tilmaamay qodobka 55aad ee xeerkan waa inuu:-

    1. Waa inuu faro hubiyayaasha, xoghayaha iyo tiriyayaasha inay hawshooda u diyaar garoobaan.

    2. Waa inuu u yeedho wakiiladda ururada/xisbiyada ee musharaxiin ku leh degmada ee komishanku soo ogolaaday inay goob-joog ahaadaan inta hawshu socoto.

    3. Markay gudoomiyaha, hawlwadeenadda iyo wakiiladu hubiyaan inay saxaraddu lingaxan yihiin oo aan la furin, waa inuu furo saxarada oo ka soo saaro qalabka ku jira oo hubiyaa.

    4. Markay wada jir u hubiyaan in baqshadahu lingaxan yihiin oo aan hore loo furin, waa inuu furaa baqshaddda ay ku jirto shaambaddu oo hubiyaa in lambarka shaambaddu ku yaal qoraaladda.

  2. xafiiska doorashada ee degmadu waa inuu markaas hubiyo qoraaladda iyo baqshadaha ku xusan qodobada 50,51,54aad ee xeerkan ay dhan yihiin.

  3. Xafiiska doorashada degmadu markuu hubiyo natiijada doorashada madaxweynaha & ku xigeenkiisa wuxuu u gudbinayaa xafiiska doorashooyinka ee gobolka oo markuu hubiyo u sii gudbinaya xafiiska dhexe.

Qodobka 57aad
Tirinta Codbixinta Doorashada Madaxtooyadda

Gudoomiyaha Doorashada ee degmadu markuu qabanayo hawsha doorashada madaxtooyada waa inuu:-

  1. Waa inuu tiriyo oo isu geeyo dhamaan codbixinta ka soo hoyatay goobaha codbixinta.

  2. Waa inuu hubiyo codadka waxba kama jiraan noqday ee ka soo hoyday goobaha codbixinta.

  3. Waa inuu go'aanka ka gaadho codadka muranku ka taagan yahay, sida uu tilmaamayo qodobka 53aaad ee xeerkan.

  4. Waa inuu isu geeyo codadka xisbi kasta oo musharaxiin ku leh degmadda ka helay goobaha codbixinta.

  5. Waa inuu natiijadda codadka ee soo baxay iyo cabashooyinka (Haddii ay jiraan) u gudbiyo xafiiska doorashada gobolka.

Qodobka 58aad
Hawsha Xafiiska Doorashada Ee Gobolka

  1. Xafiiska doorashada ee gobolku markuu helo nuqulka 3aad ee qoraaladda raadraaca goobaha codbixinta iyo natiijadda guud ee codadka ka soo baxay degmooyinka gobolka inta xisbi kasta ka helay ee uu u soo gudbiyey xafiisyada doorashada ee degmooyinka gobolku wuxuu hubinayaa xisaab ahaan natiijadda codadka.

  2. Gudoomiyaha xafiiska doorashooyinka ee gobolku wuxuu hawlgalka ka samaynayaa raadraaca lagu qorayo foomka loogu talo-galay oo saddex nuqul ka kooban, wuxuuna laba nuqul oo ka mid ah u gudbinayaa xafiiska dhexe ee doorashada (Komishanka) Kan asliga ahna (orignal) Maxkamadda sare ee dalka.

  3. Xafiiska doorashada ee gobolku markuu helo natiijadda cod-bixinta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, wuxuu natiijadda u gudbinayaa komishanka si uu u hubiyo uguna dhawaaqo natiijadda si ku meel gaadh ah.

Dhamaad...

Top


Waadiga Ciyaaraha

M/Rashiid Muxumed Faarax

Luis Figo Iyo David Beckam Oo La IS-weydaarsanayo

Madrid (AP) - Ninka khadka dhexe uga ciyaara naadiga Spanish-ka ah ee Real Madir, Luis Figo ayaa lagu wadaa in lagu wareejiyo naadiga Manchester United, iyadoo loogu beddelayo kabtanka Ingiriiska, ahna dhexda kooxda Man. United, David Beckham.

Haddaba qiimaha ay ku doonayso Real Madrid, ciyaaryahanka Beckham wuxuu dhan yahay 40 million oo Pound oo u dhigma 60 million oo dollar, ayaa warkaasi oo ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP maalintii dorraad ayay haddana qortay jariirada The Sun-Newspaper ee kasoo dalka Ingiriiska inuu weliba David Beckham jecel yahay Real Madrid.

Beckham mar uu dorraad u waramayay warbaahinta ayuu yidhi; qof kasta oo ciyaaryahan ahi wuu jecel yahay inuu Real Madrid u ciyaaro, oo uu weliba hadho isagoo ciyaaryahan Real ah, waxaanu yidhi naadiga Real waa naadi ciyaaryahano waaweyn oo wanaagsan leh, waana naadi weyn. Sidoo kale, agaasimaha maamulka Real Madrid Mr. Jorge Valdano ayaa xaqiijiyay inay Real diyaar u tahay inay heshiis la gasho Beckham xagaagani intaanu dhammaan.

Haddaba Valdano o ah ninkii soo wareejiyay mas'uulkana ka ahaa heshiisyadii xidigyada Real sida Ronaldo, Zidan iyo Luis Vigo, uu iminkana gacanta ku hayo heshiiska D. Beckham iyo Figo, iyado ay u taalo Beckham xiiso labada naadi ee Real iyo Inter Milan inuu midkood ku wareegayo ilaa sabtida, waxaanu sheegay inaanu warwar iyo dhibaato igu keenayn haddii aan ka tago naadiga Manchester United.

Valdano oo hadalkasi sii wataa wuxuu yidhi; "Waa dariiq ay caan ku tahay kala wareejinta ciyaaryahanada xilli-ciyaareedyadii ina dhaafay, kan Beckham-na wuxuu ug noqon doonaa mashruuca ugu weynaa e aanu galno."

Haddaba haddaynu eegno saamaynta Beckham ay ku sababaysan tahay ka tegista naadigiisa oo uu dhawaan (sannadkii hore) kula saxeexday heshiis cusub naadiga Manchester Old Trafford heshiiskaas oo ahaa ilaa 2005 aya sababaha kellifay dhawr waxyaabood laga qoray, weliba jariirad la yidhaa 'The London Evening Standard' waxany jariiradaas oo ka hadlaysa sababta , waxa mushkiladda David Beckham ee sabaabta markii uu dhawaan qolka labiska ciyaartoyga dhexdiisa isku jiidheen Alex Ferguson oo ah tabobarihiisa ku laaday wejigiisa kab buudh ah oo ay kaga dhacday isha dusheeda (sunaha). Iyo weliba isagoo inti dambe saani jiray culays aanu qaadi karin iyo isha oo uu gaar ugu hayo David Beckham.

Waxa kale oo ay jariiradu qortay war kale oo sheegaya inay toddobaadkii hore u diyaarisay labada ciyaaryahan ee reer Arsenal ee kala ah Patrick Vieira iyo Robert Pires inay ku iibsato Lacag dhan labadooda 3500 oo pound una dhiganta 52 million oo dollar, iyaga oo wada-hadalkaasina u socdo labadaa nin ee u ciyaara xulka waddank faransiiska iyo naadiga Arsenal.

Waxa kale oo ay jariiradaasi ku dartay inuu naadiga Real Madrid jabiyay 3 jeer, saddexdii sano ee u dambeeyay rikoodhka adduunka ee iibka iyo kala wareejinta ciyaartoyga oo markii u horraysay la saxeexatay Luis Figo, haddana Zidane 72 million oo dollar, iminkana Beckham u socdo wadahadal.

Waxaanay jariiradaasi kusoo gebo-gebaysay haddiiba uu dhammaado heshiiska Real iyo Beckham inta ka horraysa ciyaarta quarterfinal-ka ah ee Champion-ka ee dhacaysa 8-23 April, 03 oo Real reebto Manchester, muxuu yeeli doonaa Alex Ferguson.

Top