Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 300 April 1, 2003

"Anigu Sida Ragga Qaarkii Faani Maayo, Laakiin Waxaan Ballan-Qaadayaa.."

Waa Tuma Dawladda Habooni?

Xisbiga UCID Oo 7 Xafiis ka furtay Magaalada Hargeysa

C/Raxman Aw.Cali Oo Xukuumadda Iyo UDUB Uga Digay Inay Ku Kacaan Falalkii Doorashadii Hore

"Xubnahayagii Markii Hore Fadhiistay Iyo Intii Naga Maqnaydba Hadda Waxaanu U Shaqaynaa Wadajir"

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Jamhuuriga Ciraaq

Garta Xeer-Beegti Iyo Xeerarka SomaalidaWaxa Qoray Cabdi Caara-Dhuub

Jilbo-DhiigQiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale : 12aad 


"Anigu Sida Ragga Qaarkii Faani Maayo, Laakiin Waxaan Ballan-Qaadayaa.."

Madaxweyne Rayaale Oo Warbixin Sannadeed Siiyay Labada Gole Ee Baarlamaanka

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay khudbad la xidhiidha warbixin sannadeedka 2003 ka jeediyay fadhi wadajir ah oo ay u dhan yihiin saddexda gole ee Dawladda (Guurtida, Wakiilada iyo xukuumadda).

Khudbaddaas oo uu Madaxweyne Rayaale kaga hadlay dhinacyo badan oo la xidhiidha xaaladaha siyaasadeed, maamul, dhaqaale iyo arrinta doorashada waxay ahayd qoraal, waxayna iyadoo dhammaystiran u dhignayd sidan;

"Maanta oo ay bishu tahay 30 March, waxa sharaf ii ah aniga oo gudanaya xilkayga distooriga ah in aan halkan idiinka soo jeediyo fadhigan loo dhan yahay ee Baarlamaanka warbixin sannadeedkii oo ka kooban waxqabad iyo ku talogalka mustaqbalka ee Qaranka.

Maanta waxa farxad u ah taariikhna u ah umadda Somaliland intii ay xoriyadda qaateen 1960-kii in markii u horraysay muddo 43 sano kadib inay u cadeeyeen dawlad ay leeyihiin tu degmo, tu madaxtooyo iyo Baarlamaan, waxayna u noqon doontaa Taariikh ay xusaan jiilalka Somaliland ee mustaqbalka.

Markaan si guud idiinka waramo geedi-socodka dalku soo maray laga bilaabo la soo noqoshadii xornimadeenii 1991 ilaa maanta waxaan ku soo koobayaa arrimahan hoos ku xusan:

Geedi-socodka Dimuqraadiyadeed talada oo la wada wadaago, wada-tashiga iyo is qancinta sida distoorkeenu qeexayo waxay soo mareen marxalado dhawra oo kala ah sidatan:

  1. Shirweynihii beelaha Somaliland u dhammaayeen ee ku qabsoomay magaalada Berbera 1991-kii ee ujeedadiisu ahayd dib-u-heshiisiinta iyo isa saamaxa beelaha Somaliland ee looguna gogol xaadhay shirweynihii Burco 1991-kii.

  2. Shirweynihii bishii May 1991-kii ee lagula soo noqday gobonimada iyo qaranimada Somaliland laguna kala saxeexday dhisid dawlad loo dhan yahay, talada dalkana loo dhiibay muddo laba sano ah ururka SNM laguna go’aansaday diyaarin Axdi qarameed.

  3. Shir-weynihii nabadaynta beelaha Somaliland ee 1993, kuna qabsoomay magaalo-madaxda gobolka Awdal ee Boorame, laguna Ansixiyay Axdi qarameedkii laguna soo dhisay dawlad loo wada dhan yahay oo uu madax ka ahaa Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo C/raxmaan Aw Cali Faarax oo lagu aas-aasay guutada koowaad oo ka koobnayd 500 oo askari.

  4. Shirweynihii loo dhammaa beelaha Somaliland ee ku qabsoomay magaalo Madaxda JSL 1997-kii, laguna Ansixiyay si ku meel-gaadh ah ku dhaqankiisa muddo Saddex sano ah dastuurka Qaranka laguna soo doortay mar labaad Alle ha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday Marxuum M. I. Cigaal iyo Madaxweyne ku xigeen dastuurkii Qaranka ee beddeli lahaa Axdi-qarameedkii, taasi oo loogu talogalay dhammaytirka haykalka dawladnimo iyo fidinta maamulka.

  5. Aftida dastuurka ee ka dhacday dalka oo dhan 31 May 2001 laguna oggolaaday 97%, taasoo sharciyaysay lasoo noqoshada madax-bannaanida iyo qaranimada Somaliland.

  6. Diyaarinta axsaabta tiro badan sida uu qeexayo dastuurka qaranku oo ku loolanta hoggaanka talada dalka oo lagu unkay Guddiga diiwaangelinta iyo Guddiga doorashooyinka Qaranka.

  7. Doorashadii qabsoontay 15 December 2002 dalka badankiisaba ee lagu kala saaray 6-dii urur ee u tartamayay golaha degaanada oo Saddex xisbi ka soo baxeen, sida uu qeexayo dastuurkeenu kuwaas oo ka qaybgali doona tartanka doorasho ee Madaxweynaha iyo ku xigeenka 14-ka April 2003.

Xaaladda Siyaasadda dalka
1. Arrimaha gudaha

Nabadgelyada dalka iyo amniga oo la adkeeyay sugnaatayna, fidinta maamulka oo la dhammaystiray iyo wufuud nabadayn iyo turxaan bixinba oo loo diray gobolka Sool, kana midho dhaliyay lana dhammaystiri doono mustaqbalka go’aanadeedii iyadoo laga duulayo Siyaasadda, nabad ku wada noolaanshaha dalalka aynu jaarka nahay iyo kuwa caalamkaba kuna dhaqmayo mabda’, farogelin la’aanta arrimahooda gudaha, waxa looga digayaa muwaadiniinta ururada iyo xisbiyada in ay ka gaabsadaan aflagaadada.

Waxaan Caalamka kala mawqif nahay la dagaalanka argagixisada nooc kasta oo ay leedahayba sida ku cad dastuurka jamhuuriyadda Somaliland, mana aqbalayno wax loo maleeyo in ay gacan siinayaan ama u adeegaya shabakada Al-qaacida, Al-itixaad oo aan raad ku lahayn Somaliland, taasoo aanu runtii caddayno caalamkana u sheegayno in aan kala mid nahay isbahaysiga Caalamka ee argagixisada waxay Dawladda Somaliland magacaabi doontaa guddi ka hortagta argagixisada oo heer qaran ah.

Arrinta Ciraaq
Arrimaha Dawladda Ciraaq ka socda waxaan qabnaa in loo maro wado wada xaajood iyo nabadeed, iyadoo loo marayo xeerka caalamiga ah ee nabad ku wada noolaanshaha.

Degmooyinkii xayiraada lagu soo rogay ee ahaa Laascaanood, Xudun iyo Taleex waxaan soo jeedinayaa in laga qaado xayiraadii ay uga suurtagasho doorashooyinku, isla markaana goluhu ansixiyo, si ay isku waafaqaan qorshaha Koomishanka doorashooyinku ugu talogalay inuu dalka oo dhan ka qabsoomaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayay xilkeeda tahay inay kala qeexdo soohdimaha degaano iyo mid cashuureed-ba, iyagoo raacaya shuruucda awooda u siinaya.

2. Arrimaha dibadda
booqashooyin wufuud heer sare ah aan ugu kala bixinay dibadda iyadoo mudnaanta aanu siinay dalalka aynu jaarka nahay, galbeedka Afrika, Senegal iyo Mali.

Waxaanu ballaadhinay xafiisyada wakiilada Somaliland ee qaaradaha Yurub, Asia (Bariga Dhexe), Afrika iyo waqooyiga Maraykanka.

Waxaanu daabacaad iyo diyaarin ku samaynay qoraalo marag madoona oo laga soo helay jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, kuna ururinay buug cusub oo ay soo saareen wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Madaxtooyadu.

Waxaanu kaloon xidhiidho is-daba joog ah ku samaynay, qoraalana u gudbinay Madaxda urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga ahba adduunka oo ay ka mid yihiin xog-hayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

Golaha Ammaanka, ururka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo ururka islaamka.
Kuwaasoo dhammaantood aan ka hayno natiijo wax ku oola oo mustaqbalka dhaw midho-dhal noqon doonta, waxaanan ugu bushaaraynayaa umadda Somaliland in mustaqbalka dhaw marka ay doorashada madaxtooyadu dhammaato inay dalal badani diyaar ula yihiin inay aqoonsadaan Somaliland, taas oo ay saldhig u tahay ololihii waynaa ee xukuumaddu ugu hawlgashay sidii ay Caalamka ugu qancin lahayd qadiyadda Somaliland oo khalad badan laga fahansanaa.

3. Arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha
Bulshada
Nabadgelyada, caafimaadka, waxbarashada iyo adeega bulshada waxay xukuumaddu siindoontaa mudnaanta koowaad.

  1. Tacliinta
    Waxa Saddex laabmay tirada dugsiyada, macallimiinta iyo ardayda ee Hoose/Dhexe/Sare, adeega waxbarashaduna wuxuu gaadhay dhammaan degmooyinka iyo gobollada dalka tiro iyo tayobana kor ku kacay, waxa kaloo unkamay laba jaamacadood oo ilaa 700 oo arday ku jiraan, oo dufcaddii u horaysay ka qalin-jebinayso jaamacadda Cammuud. Waxa deeq waxbarasho u tegay dalka Masar ilaa 50 arday, iyadoo la filayo dhawaan deeq mug leh oo waxbarasho inaynu ka helno dalka Ethiopia, sidoo kale waxa suurtogashay hirgelinta dugsiga tabobarka macallimiinta.

  2. Caafimaadka
    Waxay Dawladda Somaliland dejisay siyaasad cusub oo degaamaynta caafimaadka ah iyo wadaaga kharashka daawaynta iyo maamulba, tusaalena loo qaadan karo Guddiga loo magacaabay cusbitaalka Hargeysa, si adeega bulshadu u noqdo mid hugan.

    Sidoo kale, waxaanu suurtogelinay dugsiga tabobarka caafimaadka iyo Guddiga ka hortagga cudurka HIV/Aids.

    Waxaan mahad-naq u jeedinayaa ururka Somaliland AID oo iskood isku xilqaamay inoo keenayna dawo iyo qalab caafimaad, kuwaas oo loo qaybiyay cusbitaalada Burco, Berbera, Hargeysa iyo Boorama.

    Ururada kale ee Somaliland ee dibadaha ka jira waxaan iyana ku boorinayaa inay sidaasi oo kale yeelaan.

  3. Caddaaladda
    Waxa isbeddel weyn aanu ku samaynay heer gobol ilaa heer degmo si loo xakameeyo eedaymihii kasoo yeedhay muwaadiniinta loona yareeyo, loona soo celiyo kala dambayntii iyo ku dhaqankii shuruucda dalka, waxa kale oo la diyaariyay xeer lagu dhaqayo qareenada iyo jeel dhaqan celin ah oo caruurta u gaar ah.

  4. Biyaha iyo waddooyinka
    Biyaha
    Dhibaatooyinka dalkan ka jira waa biyo la’aan iyo wado xumo.

    Waxay xukuumadda qorshaheeda ugu jira mustaqbalka dhaw inay arrimaha biyaha ay wax ka qabato gaar ahaan biyo yaraanta ka jirta caasimadda.

    Laba hay’adood ayaa wax ka qabanaya biyaha Hargeysa, Afrika 70 oo ballaadhin iyo fidin-ba ku samaynaysa sannadkan gudihiisa, iyagoo u qoondeeyay Lacag gaadhaysa, 2,000,000 oo dollar oo loogu talogalay ballaadhinta biyaha caasimadda JSL ee Hargeysa.

    Baniga islaamka oo aanu qoraalo ka helay, wuxuu noo ballan qaaday in uu gacan ka geysto fidinta biyaha dalka guud ahaan.

    Waddooyinka
    Inkasta oo awoodeena dhaqaale ay hoosayso haddana xukuumaddu waxay qorshaysay in hadba wixii suurtogal ah ay ka qabato waddooyinka.

    1. Arrimaha qoyska iyo horumarinta
      Waxaanu u magacawnay wasiir loona dhisay wasaarad gaar u ah waajibaadkeeduna noqon doono daryeelka iyo arrimaha qoyska, sidoo kalena waxaanu magacawnay wasiir ku xigeen ka soo jeeda dadka laga tirada badan yahay.

    2. Dhaqaalaha dalka
      Waxa afar jirsaday xayiraada saaran dhoofinta xoolaheena siiba sayladihii ugu weynayd ee Sucuudi Arabiya, waxaanay hadalo nooga socdaan furidii xoolaha oo dhakhso u dhammaan doonta insha Allaahu, waxa kale oo hoos u dhacay ganacsigii dhaxdinta ahaa ee aynu la lahayn dalka Ethiopia, taas oo uu wadahadal nooga socdo Dawladda Ethiopia sidii ganacsigu uu isaga gudbi lahaa labada dal, loogana heshiin lahaa in nidaam cashuureed oo loo dhan yahay looga sameeyo xuduudaha inoo dhaxeeya.

    3. Khayraadka dabiiciga ah
      Dalka Somaliland wuxuu hodan ku yahay khayraadka farabadan oo dabiici ah oo ceegaaga boggiisa iyo beerkiisaba, taas oo u bbaahan in la suuq geeyo loona helo maalgeliyeyaal shisheeye ah. Waxa xukuumadda Somaliland la gashay heshiisyo shariikado caalami ah oo la aqoonsan yahay lana sugay jiritaankooda qodista batroolka oo wax weyn ku soo kordhin doona dhaqaalaha dalkeena lagana midho dhalin doono dhawaan. Waxa kaloo qoondaysan qorshahana ku jira daraasado qoto dheerna lagu sameeyay dhuxul-dhagaxeedka inoo kaydsan si loogu beddelo dhuxusha caadiga ah, lagana hortago xaalufka degaankeena oo lagama maarmaan ah.

  5. Doorashooyinka
    Waxaanu kasoo baxnay si habsamiyana u dhacday doorashooyinkii golayaasha degaanada, waxaana inagu soo fool leh doorashooyinkii madaxtooyada oo aan qabo in ay tahay dhammaystirkii dimuqraadiyadda Somaliland, caalamkuna fiiro gaar ah ka leeyahay aqoonsigeenuna ku xidhan yahay.

    Sidaa darteed, golayaasha Qaranka, dadweynaha, xisbiyada tartamaya intaba waxa waajib ku ah in xilka horyaalka ay si hufan u gutaan, nabadda oo saldhig u ahna ay wadajir u ilaaliyaan.

    Golayaasha Baarlamaanka waxaan ku boorinayaa in aydun qabyo tirtaan shuruucda la xidhiidha habka doorashadiinu ay u dhacayso.

    Waxaan idiin soo gudbiyay oo idinku wargelinayaa inayna ahayn suurtogal in la qabto doorashooyinkiina, sababtoo ah waqtigii oo gabaabsi ah oo dulsaaran ta madaxtooyada, dhaqaalaha oo sannadka suurtogal ahayn in la qabto iyo qabyada ku jirta sharciyadiina oo u baahan in la dhammaystiro.

    Waxaan si cad u qeexayaa qarankan in uu u baahan yahay in qadiyadiisa cid kasta laga dhaadhiciyo meel kastana loo maro, waxa jirta mas’uuliyiinta u tartamaysa madaxtinimada Qaranka qaarkood eed ka dhigay safaradii aan u tagnay dibadda oon u ololaynaynay ka dhaadhicinta qadiyadda Somaliland dalalka ay mugdiga kaga jirto, kuwaas oon idiin sheegayno inay safarkaygii midho-dhal noqotay maanta ay u ololaynayaan qadiyaddeena.

    Xidhiidhka inaga iyo Ethiopia wanaag ku kordha mooyaane wax hoos u dhacay majiraan.
    Waxaan dhamman umadda reer Somaliland u soo jeedinaynaa in doorashada soo socota ay nabad ku codeeyaan sidii tii hore anigoo Ilaahayna ka rajaynaaya si xasilooniya ay ku dhammaato, anigoo u arka inay tahay guushii umadani u soo samraysay muddo dheer dhammaystirkeeda.

    Anigu sida raga qaarkii faani maayo, waxaan jirinna ballan-qaadi maayo, waxaanse ballan-qaadayaa Ilaahay hortiisa inaan awoodayda, kartidayda iyo garashadayda in aanan waxba ka hagran dalka Somaliland waxqabadkiisa iyo horumarkiisa."

Top


Waa Tuma Dawladda Habooni?

Musharixiinta madaxtinimadu ma waxay u ordayaan mushahar mise wax-qabad
Barnaamijka Urur Aqoonyahano Ah, Q:2aad

Dakhliga iyo kharashka dawladdu waxa ay yihiin kuwo la isku sarjaray, Taasi oo muujineysa horumar la’aan (zero growth)

Waxa iyana meesha ka baxay oo aan lagu dhaqmin:

  • Sharciyadii & qawaaniintii Baanka Qaranka, kuwaas oo isku xidhi lahaa wada shaqaynta Baanka iyo W/Maaliyadda oo aan hadda jirin.

  • Hay’addihii dabagalka, sida; hantidhowrka, Booliska, Maxkamadaha iyo Hay’addihii sharciga oo hawl gab ah.

Sidoo kale, Golaha Wakiiladu kama helo hanti dhawrka guud xisaab xidhka miisaaniyada sanadkii tagey wakhtiga ku haboon, umana soo bandhigo golaha. Taasi waxa ay lid ku tahay qodobka 55aad ee dastuurka farqadihiisa 6aad iyo 7aad, kuwaasi oo odhanaya:

  1. Waa waajib u soo bandhigida Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sanad-maaliyadeedkii dhamaaday, muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhamaadka sannad-maaliyadeedka, iyada oo Golaha Wakiiladu ka doodayo, go’aanna ka soo saarayo.

  2. U soo bandhigida xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hantidhowrka Guud.

Halkaasi waxa ka cad in Goluhu uu sannad walba ansixiyo miisaaniyadda iyada oo aan xisaab-xidh iyo faahfaahin laga siin sidii loo isticmaalay tii sannadkii hore iyo hadhaagii (under expenditure).

Dabagal la’aanta, habka loo soo agaasimo miisaaniyadda iyo xisaab-xidhka wakhtigiisa la dhaafiyo waxa uu noqday gabboodka ugu weyn ee musuq-maasuqa, taasi oo ay hanti badani ku lunto.

Sidaa darteed, waxa aanu soo jeedineynaa in Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladu noqdaan kuwo aqoon iyo kartiba leh si ay hawshooda u gutaan. Sidoo kale waa in aanu Goluhu ansixin miisaaniyadda cusub iyaga oo aan helin faahfaahinta misaaniyaddii hore, taasi oo u sahlaysa in ay si hufan uga doodaan miisaaniyadda cusub, ansaxinteeda iyo dib u eegideedaba.

5) Kobcinta Dhaqaalaha
Si loo hor istaago musuq-maasuqa baabi’iyey anshaxa iyo dhawrsanaantii bulshada, waxa lagama maarmaan ah in shaqaalaha loo huro daryeel, xuquuq iyo mushahar ku filan, lana siiyo tababaro si aqoontooda kor loogu qaado. Sidoo kale waa in shaqaalaha lagu xusho tartan imtixaan, iyada oo loo tixgelinayo laguna dalacsiinayo aqoontooda iyo waxqabadkooda. Taasi waxa ay kor u qaadaysaa tayada iyo waxsoosaarkooda. Waxa hubaal ah, in aanu dhaqaalaha dalku kobci karayn iyada oo aan la maarayn arrinta shaqaalaha.

Sida missaaniyada 2002da ku cad, waa wax lala yaabo in canshuuraha berigu noqdaan 13% dakhliga guud, kana yaraadaan dakhliga dekeda Berbera. Taasi waxa ay astaan u tahay in dhaqaale badan oo dalka anfici lahaa uu lumo. Waxa iyana jira canshuuro badan oo aan la qaadin iyo kuwo aan qasnada dawladda gelin oo meel dhexe ku luma.

Haddaba, si loo sugo arimahan aan kor ku soo xusnay, waxa lagama maarmaan ah in dib u habayn lagu sameeyo habka ay u wada shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Qaranka.

Tirada wasaaraddaha dalku iyana ma aha kuwo ku sar go’an baahida dhaqaale ee dalka (eeg qeybta koobida wasaaraddaha), waxana jira wasaaraddo badan oo aan loo baahnayn, kuwaasi oo kharashka ku baxa looga faa’iideysan lahaa horumarinta dalka. Waxa kale oo nasiib darro ah, in wasaaraddihii la rabay in ay doorweyn ka ciyaaraan dhaqaalaha dalka, uu kharashkoodu ka bato waxsoosaarkooda, sida ku cad shaxanka 5.1, siiba W/Kaluumeysiga oo ay ahayd in ay dhaqaalaha dalka, shaqo abuuridda iyo soo hoynta lacagaha adagba door weyn ka qaadato.

Shaxanka 5.1 (odoroska guud ee dakhliga iyo kharashka miisaaniyada 2002)

Hay’addaha Dakhliga SLS Kharashka SLS Khasaaraha SLS

W. Ganacsiga

W. Macdanta & Biyaha

W. Kaluumeysiga

200,000,000

10,000,000

0

315,232,190

324,157,360

285,483,000

-115,232,190

-314,157,360

-285,483,000

Wadar Guud 210,000,000  924,872,550 -714,872,550

Marka la eego arimahaa aan soo sheegnay oo dhan, sawirka dhaqaale ee dalku ma aha mid yididiilo ka muuqato. Taasi micnaheedu ma aha in aan dalka dhaqaale ka jirin, waxase muuqata in wax weyni ka khaldanyahay qaabka loo agaasimo.

Haddaba, haddii la raaco qorshaha Ururka (WAX U QABO) waxa hubaal ah in xaalada dhaqaale ee dalka wax weyni iska bedeli doono labada sanadood ee u horeeya, (eeg shaxanka 5.2). 

Shaxanka 5.2 (Dakhliga la soo xereyn karo) 

Magaca

Dakhliga hadda ka soo baxa $

Dakhliga laga soo saari karo $

Canshuuraha Berriga

2,108,400

10,542,000

Kastamada

11,775,000

23,550,000

Dekadaha

2,308,000

2,700,000

Dakhliga aan khasnada gelin

 

4,000,000

Wadar Guud

$16,191,400

$40,792,000

Korodhsiimahan micnihiisu ma aha mid canshuuraha dadweynaha lagu kordhinayo, balse waa mid lagu soo xereynayo canshuuraha aan la qaadin iyo kuwa aan qasnada Dawladda gelin.

Sida ku cad miisaaniyadda 2002, kharashka Madaxweynaha ee uu mushahar ahaan u qaato, waxa ay sanadkiiba tahay $515,900 halka Madaxweyne ku xigeenkuna ka qaataa $158,700 sanadkii, taasi waxa ay ka badan tahay mushaharada ay qaataan madaxweynayaasha wadamada horumaray qaarkood. Sidoo kale Wasaaradda Madaxtooyada waxa iyana ku baxda sanadkii $934,292 kaasi oo aanu dhaqaalaha dalku qaadi karin.

Waxa xaqiiq ah in kharashka ku baxa madaxtooyadu uuna ahayn mid dhaqaalaha dalku qaadi karo, sidaa darteed waxa aanu soo jeedineynaa in mushaharka Madaxweynuhu noqdo $60,000 sanadkii, Madaxweyne ku xigeenkana noqdo $40,000 sanadkii, kharashka kale ee madaxtooyada ku baxa sida; safarada, shaqaalaha, amartiqaadyada iwm, in uu noqdo $500,000 sanadkii halka uu imika ka yahay $934,292. Sidoo kale W/Maaliyada waxa laga soo dheegi karaa keyd dhan $705,640 sida shaxanka 5.3 ka muuqata

Shaxanka 5.3 (kharashka la baajin karo)

Magaca

Kharashka hadda  ku baxa

Kharashka ku bixi kara

Keydka ka soo bixi kara

Wasaaradaha la dhimay

 

 

850,000

W/ Maaliyadda

1,201,604

495,964

705,640

Qasriga Madaxtoyada

515,900

60,000

455,900

M/ku xigeenka

158,700

40,000

122,700

W/ Madaxtooyada

934,292

500,000

434,292

Wadar Guud

$2,810,496

$1,095,964

$2,558,532

Fiiro gaar ah: Dastuurka qodobkiisa 87aad waxa uu dhigayaa: "mushaharka, gunnada iyo hantida Dawlada ee ay madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynuhu ku dhaqmaan waxa qeexaya xeer" Xeerkaasi lama samayn, sida darteed waa in xeerkaasi la sameeyaa ka hor xilliga doorashooyinka Madaxweynaha iyo M/ku xigeenka.

Haddaba, haddii la is barbardhigo dakhliga dalka u soo xeroon kara ($40,792,000) iyo kharashka ku bixi kara shaqaalaha, ciidamada $16,998,800 (korodhsiimada mushaharkooda ka dib) iyo wasaaradaha & madaxtooyada ($6,113,765), waxa ka soo hadhaya dekhli dhan $17,679,435. 

Sidoo kale, waxa jira keyd kale oo laga soo saari karo wasaaraddaha la dhimay iyo kharashka laga maarmi karo (eeg shaxanka 5.3), kaasi oo dhan $2,558,532. Haddaba marka la isu geeyo keydkaasi iyo hadhaaga dekhliga dawladda waxa ka soo baxaya keyd dhan $20,237,967 oo ay tahay in loo adeegsado fulinta mashaariicda horumarinta ee dalka sida: Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iwm.

Keydka soo hadhay mashaariicda lagu qabanayo waxa aanu ku qeexi doonaa qeybta 3aad

Haddaba, waxa ay tahay in dadweynuhu isweydiiyo "Musharixiinta u tartamaysa mansabka ugu sareeya dalku ma waxa ay u ordayaan in ay dalka wax u qabtaan mise in ay mushaharkaa balaadhan qaataan?"

Top


Xisbiga UCID Oo 7 Xafiis ka furtay Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka (UCID) oo ka mid ah axsaabta Siyaasadda ee ku tartamaya doorashada madaxtinimada ee dalka ayaa maalintii shalay 7 xafiis ka furtay degmooyimka Gacan-Libaax, 26-June, iyo Koodbuur oo ka tirsan Hargeysa.

Xafladihii furitaanka xafiisyadan oo ay ka qaybgaleen dadweyne aad u farabadani waxa furay xafiisyadaa oo dadweynahana khudbado uga jeediyay goobahaasi mas’uuliyiin sar-sare oo ka socda xisbiga UCID oo ay horkacayaan ku simaha xoghayaha guud ee UCID, C/raxmaan Ciro iyo xoghayaha abaabulka iyo wacyigelinta ee xisbigaasi Cabdi-samad, iyagoo dadweynaha uga mahad-celiyay sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen Madaxda ka socota xisbiga iyo taageerada ballaadhan ee ay u hayaan xisbiga. Waxa kale oo ay ka warrameen barnaamijka xisbiga iyo waxa qorshahoodu yahay inay qabtaan haddii la doorto.

Waxa kale oo ay ka warrameen marxaladda uu dalku marayo iyo sida loogu baahan yahay inay dadweynuhu uga fiirsadaan cidda ay codkooda siinayaan. Iyagoo si gaar ah uga hadlay musharaxa madaxtinimada ee xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe iyo sida uu u doonayo inuu dadka iyo dalka wax ugu qabto.

Ugu dambayn waxa ay dadweynaha ka codsadeen inay taageero buuxda isla barbar taagaan musharaxa xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe.

Furitaanka xafiisyadan, waxa ay kusoo beegantay iyadoo guddoomiyaha xisbiga, ahna musharaxa madaxtinimada ee xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe uu socdaal ku marayo degaanada hoosyimaada degmooyinka Sallaxley iyo Balay-gubadle, taas oo qayb ka ah ololaha uu ugu jiro tartanka madaxtinimada dalka oo lagu wado inay dalka ka dhacdo bisha April ee fooda inagu soo haysa 14-keeda.

Top


C/Raxman Aw.Cali Oo Xukuumadda Iyo UDUB Uga Digay Inay Ku Kacaan Falalkii Doorashadii Hore

Boorama (Haatuf) wefti ka tisan xisbiga KULMIYE oo ay hogaamineyso gabadha gudoomiye ku xigeenka labaad ka ah xisbiga KULMIYE marwo Siraad Cali Yuusuf, uuna ka mid yahay ninka xisbiga KULMIYE ugu sharaxan jagada madaxweyne ku xigeenka C/Raxmaan Aw Cali Faarax oo beryahanba socdaal ku joogey gobolka Awdal ayaa shalay ka qayb galay xaflad lagu furey xafiis ay yeelan doonaan kooxo dhalinyaro ah oo xisbiga KULMIYE ka tirsan waxaana halkaa hadalo ka jeediyey Marwo Siraad Cali Yuusuf iyo C/Raxmaan Aw Cali Faarax iyo dad kale.

C/Raxmaan Aw Cali ayaa isaga oo munaasibadaa ka hadlaya waxa uu xukuumadda Somaliland iyo xisbiga UDUB uga digey inay mar labaad ku kacaan waxyaalo uu tilmaamay inay ku kaceen xilligii doorashada golayaasha deegaanka. Sidoo kale C/Raxmaan waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda uu dalku marayo, taas oo uu ku tilmaamay inuu dalku gurmad u baahan yahay, wuxuuna yidhi "Waad ogtihiin meeshay qaranimadii marayso, laga bilaabo tuuladda Boon ilaa Lawyacaddo cidi ma xukunto, Burco wixii ka shisheeyana waad ogtihiin waxa ka jira, laakiin marka laga reebo wixii dhibaatooyin ah sida abaaraha ee Ilaahay keeno waxa ka sii daran dhibaatadda maamulka dawladdu ku hayo dhaqaalihii dalka, shaqo la’aanta, xidhiidhkii dibedda oo xun oo Itoobiyadii inoogu xigtey ay inaga xidhantahay."

Sidoo kale waxa iyana halkaa ka hadashay Marwo Siraad Cali Yuusuf waxaana hadaladeeda ka mid ahaa "Marka hore waxaan idiinka mahad naqayaa sidaad noo siiseen taageeradiina, idinka oo raadinaya cidda idinka saari karta duruufaha adag ee maanta ku nooshihiin iyo shaqo la’aanta, markaa sidii aad markii horeba taageeradiina noogu siiseen ayaanu doorkana idinka fileynaa inaad noo siisaan". Iyada oo marwo Siraad aad u majeeratay barnaamijka xisbigeeda KULMIYE, isla markaana tilmaamo ka bixisay waxyaalaha uu xisbigeedu qaban doono haddii uu talada ku guulaystaan. Kooxahan dhalinyarada ah oo ka mid ah dadka taageera xisbiga KULMIYE waxay shalay galabnimadii iyaga oo kolonyo baabuur ah wata, isla markaana calanka KULMIYE lulaya ku soo wareegeen suuqyada iyo wadooyinka magaalada Boorama.

Dhinaca kale sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Maxamed Cumar oo fadhigiisu yahay magaalada Boorama, waxa afartii maalmood ee dambeeyey magaalada Boorama si xaami ah uga socda ololaha doorashada ee xisbiyada siyaasadda, waxaana markii u horeysay xamaasadda ololaha siyaasadda kor u qaaday markii ay magaalada Boorama socdaalka hawleed ku tageen weftiga KULMIYE ee ay ka mid yihiin musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE iyo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga C/Raxmaan Aw Cali iyo Marwo Siraad Cali Yuusuf, kuwaas oo olole weyn ka sameeyey magaalada, taas darteedna waxa meelo badan oo meherado iyo gaadiid-ba isugu jira lagu sharaxay calamada iyo astaamaha xisbiga KULMIYE, iyada oo ay weftiga KULMIYE kulamo kala duduwan la yeesheen bulshada reer Boorama.

Inkasta oo laba bilood uu xisbiga UDUB si weyn uga dhex muuqday magaalada Boorama haddana maalmahan u dambeeyey waxaad moodaa in xisbiga KULMIYE aad u cad cad yahay isaga oo kasbaday taageerayaal badan oo ay qaarkood ka soo jabeen xisbiga UDUB intii ka dambaysay doorashooyinkii dawladaha hoose.

Dhinaca kalena xisbiga KULMIYE waxa uu shalay magaalada Hargeysa ka furey 5 xafiis oo ku kala yaala xaafadaha magaalada Hargeysa waxaana xafladihii xafiisyadaa lagu furey ka hadlay qaar ka tirsan hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee xisbigaa Daa’uud Xuseen Geelle iyo marwo Canab Cumar Ileeye.

Sidoo kale xisbiga UCID ayaanay isna xafiisyadiisa ka socon wax dhaq-dhaqaaq iyo xarakaad siyaasadeed ahi.

Top


"Xubnahayagii Markii Hore Fadhiistay Iyo Intii Naga Maqnaydba Hadda Waxaanu U Shaqaynaa Wadajir"

Waraysi - Maayorka Burco 

Hargeysa (Haatuf) "Ma jirto wax faro gelin weyn ah oo ay wasaaradda daakhiligu nagu samaysaa" sidaa waxa yidhi maayarka Burco Maxamed Diiriye Xayd oo ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee dhawaan la doortey, wuxuuna maayarku sidaa ku sheegay waraysi uu wargeyska Haatuf siiyey habeen hore, isaga oo socdaal hawleed ku jooga magaalada Hargeysa.

Waraysigaas oo aanu qaybtiisii hore idiin soo gudbinay cadadkayagii shalay waxa qaybtiisa labaad ugu horeyn la weydiiyey maayarka iney dhimi doonaan iyo inkale shaqaalaha dawladda hoose ee Burco oo la sheegay iney aad u tiro badan yihiin, wuxuuna ku jawaabay "guud ahaan shaqaalaha dawladda hoose ee Burco jooga aad bay u tiro badan yihiin mushaharkoodiina waa nagu socdaa, iyada oo ay qaarkood mushaharkoodii leeyihiin ilaa 13 bilood, sidaa darteed ilaa aanu arrintaa wax ka qabano ma doonayno inaanu wax talaabo ah qaadno."

Waxa kale oo maayarka la weydiiyey maadaama ay magaaladiisu dhaqaale ahaan aad ugu xidhneyd ganacsiga xoolaha halka ay dakhliga ka helaan maadaama ganacsigii xooluhu xidhan yahay, wuxuuna yidhi "haddii xooluhu xidhan yihiin ma aha inaanu u fadhiisano ee waa inaanu samayno wixii itaalkayo ah ee aanu heli karno, anaga oo xooga saarnay arrimaha kale sida cashuurta liisamada, ardiyadaha guryaha iwm, intaas oo aanu isku dayno sidii aanu iskugu fileysiin lahayn dadka aanu wax ugu qaban lahayn."

Dadka qaar gaar ahaan xisbiyada mucaaradka ayaa wasaaradda daakhiliga ku eedeeya inay faro-geliso golayaasha deegaanka, sidaa darteed maayarka Burco mar la weydiiyey inay wasaaradda daakhiliga faro-gelini kaga timaado wuxuu ku jawaabay "Wasaaradda daakhiligu waa wasaaraddii dalka, anaguna waxaanu nahay golihii deegaanka ee dadku soo doortey, sidaa darteed waxa naga dhaxeeya wada shaqayn balaadhan, isla markaana wixii arrimaha deegaanka iyaga khuseeya wasaaradda daakhiligu way ku leedahay wixii awoodeedu tahay, laakiin wixii aan anagu awood u leenahay ma jirto wax faro-gelin weyn ah oo ay wasaaradda daakhiligu nagu samaysaa."

Sidoo kale maayarka mar la weydiiyey waxa uu ugu talo-galay waxbarashada Burco, iyada oo ay dugsiyada qaarkood ilaa hadda dad degan yihiin wuxuu yidhi "way jiraan dugsiyo la degan yahay sida Sh. Bashiir, farsamada gacanta, 15 May iyo Faarax Oomaar, dugsiyadaas waa run oo waa la deganyahay, laakiin hanti ma guurto ah lagama dhisan ee waxaa laga dhistay buulal yar yar oo ay dad muwaadiniin ahi ku nool yihiin, dadkaasi malaha khasab baanu ku degenaanaynaa ee waxay doonayaan in dhul bedel la siiyo, waxaase jira dhul badan oo ay dad iska sheegtaan, wax dakhli ahina aanu ka soo bixin, dadka lihina ay yidhaahdaan waa beero, waxna aanay ka beeran, sidaa awgeed waxa uu qorshahayaga u horeeyaa yahay sidii aanu dadkaa dhul ugu heli lahayn iyo in dhulkaa banaan beer ahaan loo aqoonsado, wasaaradda beerahana laga diiwaan geliyo, markaa guud ahaan waxaanu doonaynaa inaanu goobaha danta guud ka saarno dadka degan."

Maayarka Maxamed Diiriye Xayd markii loo dooranayey jagadan waxa soo baxay waxoogaa khilaaf ah oo dhexmaray isaga iyo raggii la tartamayey, laakiin mar la weydiiyey arrintaasi inay saamayn ku yeelatay maamulkiisa wuxuu ku jawaabay "21-kayaga xubnood ee dadweynuhu soo doorteen waxaanu ka koobnayn axsaabtii ku tartamayey golaha deegaanka, marka aqlabiyadda la eegana cid uun baa ku soo bixi lahayd, markaa intayadii markii hore fadhiisatay iyo intii kale ee naga maqnayd, hadda si wada jira ah ayaanu u shaqaynaa oo kaliya waxa naga maqan xubin la isku haysto iyo xubin Hargeysa joogta oo wasiiru dawlaha arrimaha gudaha laga dhigay, iyo xubin kale oo aanaan ka warhayn, kaas oo ah Maxamed Xuseen oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, intayadii kale waxaanu nahay dad wada shaqeeya oo u midaysan danaha deegaanka Burco."

Sidoo kale maayarka Burco mar la weydiiyey hawsha uu Hargeysa u joogaa waxa ay tahay wuxuu yidhi "sida aynu ognahay waxa fooda inagu soo haya doorashadii madaxtooyada, waxaananu jecelnahay inay doorashadaasi si nabadgelyo ah uga dhacdo magaaladayada iyo dhamaan dhulka Somaliland, markaa waxaanu u nimid inaanu wada tashi la samayno wixii hawlaha nabadgelyada ah hay’adaha ku shaqada leh, ta kale shaqaalaha aan soo sheegay waxa ka maqnaa kab ay dawladda dhexe bixin jirtey, markaa kabkaas oo aan saddex bilood noo iman ayaanu u nimid sidii aanu u heli lahayn, isaga oo haddii aanu helno naga dabooli doona baahiyahayaga, waxaa kale oo aanu u nimid inaanu hay’adaha samafalka u bandhigno wixii baahiyo ah ee ay degmadayadu u baahantahay."

Maayarka isaga oo la hadlaya dadka reer Burco wuxuu yidhi "Horta xubnahayaga deegaanku waxaanu kitaab dhaar ku marnay iyada oo miyirkayagu taam yahay inaanu cadaalad ugu shaqayno dadkayaga, markaa waa inaanu taa ku shaqayno, iyada oo ay qofka wax dhaafi karaan oo aan isku dhamaasho la helayn, dadweynahana waxaanu ka codsanaynaa in wixii dhaliil ah ee golaha deegaanku yeesho ama maayar ahaan aan yeesho aanay noo qarin ee wixii la xumeeyo ay sheegaan, haddii ay saxaafadda geeyaan iyo haddii ay kheyriyadda ka sheegaanba anigu kama xumi, waayo taasi way I toosinaysaa, haddiise aan waxaas oo dhan ku qabsoomi waayo waa inay iskay qabtaan, ilayn iyagaa isoo doortey oo way iskay qaban karaan’e, laakiin marka aan intaa ka gudbo waxa inagu soo fool leh doorashada madaxtinimada oo ay ku tartamayaan saddex xisbi, sidaa awgeed waxaan dadweynaha reer Burco iyo dhamaan dadweynaha reer Somaliland ka codsanayaa inay nabadgelyadooda ilaashadaan, gacana ay siiyaan hay’adaha nabadgelyada, ayna iska qabtaan cidii nabadgelyada wax u dhimaysa."

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991 Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Mingistu: Guud ahaan arrimhii Ereteriya naga soo maray iyo istiraatiijiyadii iyo qaabkii aanu u waajahnay dhibaatadda Ereteriya, haddii aan is idhaahdo ka sheekee wakhti dheer bay qaadanaysaa, laakiin si aan guud ahaan wax kaagaga sheego, waxaan ka soo qaadanayaa laba arrimood oo aad muhiim u ah.

Wakhtigaa dhibaatooyinkii ka jirey dhinaca Ereteriya aad bay u sal-balaadhnaayeen, waxayna arrintu nala gaadhay heer ay yidhaahdaan "Xilli dhaw ayaanu gobonimadayada ku dhawaaqi doonaa."

Sidoo kale Soomaalida ayaa iyana dhinacooda lahaa "Yaa naga horjoogsan kara ilaa iyo Hawaas ayaanu awood karnaa inaanu qabsano", xilliga ay sidaa lahaayeena wuxuu ahaa xilli ay weeraro nagu soo qaadeen. Sidaa darteed dhinac kasta marka la eego waxa na haystay dhibaato aad u weyn. Tusaale ahaan badhtamaha dalka marka la eego wax ciidamo ahi nooma joogin, waayo intii yarayd ee aanu haysanay waxaanu u kala dirnay goobaha dagaalka, gaar ahaan xuduudaha dhinaca Ereteriya, taasina waxay keentay inay ciidamadu nagu filnaan waayaan, ka dibna aanu u yeedhno odayaashii da’da ahaa ee hawl-gabka ahaa, kuwaas oo inta aanu dib u abaabulnay aanu meel isugu ururinay, uguna yeedhnay "Aabayaashii dagaalka" taas oo loogu baaqay inay cimrigooda inta ka hadhsan ku dhamaystaan sidii ay u badbaadin lahaayeen dalkooda hooyo, naftoodana ugu huri lahaayeen. Tusaale ahaan xataa odayaal todoba sanadood ka hor hawlgab la qoray ayaanu ugu yeedhnay inay dagaalka galaan.

Waxa laga yaabaa maamulkii dawladii Xayle Salaase haddii uu dhaco inuu qalalaase yari yimaado, waxa lagama maarmaan ahayd in la helo ciidan ka hortaga, ciidankaas oo ah in qayb looga yeedho ciidanka qaranka, ciidamada la soo xulay way hubaysnaayeen gobol kastana wey joogeen, sidaa darteed ciidamadaa laftooda ayaanu u dirnay goobaha dagaalka, waxayna isu soo ururintooda iyo kala diristooda goobaha dagaalka naga qaadatay wakhti dheer, maadaama ay ahaayeen dad gobolada oo dhan laga soo ururinayo.

Xilligaa waxaa khasab nagu noqotay inaanu dagaal uun doorano, waayo dhamaantood marka la eego dhinacyada nala dagaalamayey waanwaantooda diblomaasiyadeed waxay noqotay mid rajo la’, iyada oo waanwaantii nabad raadinta ee aanu isku dayney dhamaanteed laga soo qaaday ama loo tafsiirtay inaanu nahay niman baqe ka qaba daciifnimada aanu xilligaa ku sugnayn. Sidaa awgeed dalka dibediisa iyo gudihiisaba cadawyadayadii weeraro ayey nagaga soo fureen. Tusaale ahaan waxa jirtey mar la hareereeyey Musawa iyo Asmara (Ereteriya) sidoo kale ay Soomaalida na soo weerarteyna dalka gudihiisa soo galeen oo ay xuduuda ka soo gudbeen ilaa 800km, laakiin markii ay sidaasi dhacday ayey shicibka Itoobiya muujiyeen dedaal weyn iyo olole ay arrimahaa kaga hortagayaan, taasina waxay keentay inuu gaashaandhigii Itoobiya u diyaar garoobo sidii ay dalkooda hooyo u badbaadin lahaayeen. Sidaa awgeed waxa na hortimid ama aanu isweydiinay su’aal odhanaysa "Kuwee ayeynu marka hore la dagaalanaa oo dhirbaaxo ku dhufanaa?" 

Xaaladda Ereteriya maadaama oo ay ahayd mid walaac badan leh ayaa la yidhi "nimankaasi (Ereteriyiinta) maadaama ay dedaalkayagii waan waanta nabadeed ku gacan saydheen, isla markaana iyaga oo dagaalo inagu wada aynaan iska daawan karin, waa inaynu marka hore ciidamada halkaa geyno". Laakiin fikradaa markii la soo jeediyey waxa kale oo la soo jeediyey fikrad kale oo taa ku lid ah, taas oo la yidhi "Sidaa ma aha ee dhinaca Ereteriya keliya aynu is-difaacno, laakiin dhinaca bariga (Soomaalida), aynu weerarno, waayo kuwaasi (Ereteriyiinta) wixii ay doonaan ha sameeyeen’e waa Itoobiyaankeenii, balse Soomaalidu waa ajanebi, sidaa darteedna wixii uu fashiistihii Talyaanigu berrigii inagu samaynayey iyo ta ay maanta Soomaalidu inagu samaynayaan ma jirto wax ay ku kala duwan yihiin, waayo Soomaalidu wixii ka soo hor-baxa iyaga oo aan u aabo yeelayn ayey xasuuqayaan, sidaa awgeed dhibaatooyinka ay noo geysan doonaan, maadaama aanay noqonayn kuwo aad u fudud aynu iyaga ka hortagno oo aynu gacanta hore saarno dhinaca bariga, isla markaana aynu imika bilowno oo aynu weeraro ku qaadno".

Tusaale ahaan anigu (Mingistu) waxaan raacsanaa qolada leh Ereteriyiyiinta aynu iska difaacno Soomaalidana aynu weerarno". Hase yeeshee waxa halkaa ka dhacay khilaaf weyn oo dhinaca fikradda ah, laakiin si aanu khilaafka meel isugu keeno ama xal ugu helno waxaanu u yeedhnay khubaro ajanebi ah oo arrimaha dagaalada ku takhasusay, ka dibna aanu kala tashano arrinta. Sidaa darteed markii ay khubaradaasi noo yimaadeen ee aanu la tashanay waxaanu go’aan ku gaadhnay inaanu weerarno dhinaca bari ee Soomaalidu naga soo gashay 

La Soco cadadka dambe.

Top


Jamhuuriga Ciraaq

Maanso - Cali Ismaaciil carab

jamhuuriga Awooda leh markuu jiidhi kari waayey, Jundigii adkaan jirey markii jilib dhig loo diidey
Jahadii uu aadoba markii lagaga soo jeestey, Jamaahiirka xiimaa markuu jebiyey ee laayey.
Jante iyo markii lagu fur-furey jac iyo baaruuda, Joornaalada oo idil markii lagu jareexeeyey.
Jiib iyo Sawaariikh markuu jaranjarkii toogtey, jeebka iyo lacagtii markii jileyga loo laabay.
Jabhaduhuu ku meeraysan jirey jooge meelaha’e, jirabkuu dhexgalay waa midkii jimic la’aaneede.
Jahawareerka haystiyo dhibtiyo jaa’ifada gaadhay, ee uu la jigan yahay ka badan jinawga geedaha’e.
Jikaarkii iyo dagaalkii markii xumaha loo jeeftey, jajab iyo alwaax bay noqdeen jananadiisiiy’e.
Jeeraaradii iyo la waa Jaabirnimadiiy’e Joorje Buush wuxuu faani jirey juuqi kari waaye.
Jiciiraha ku yaal baa ka badan ciidii jarareed’e.
Jawaabtuu yidhaahdaba ninkii daba jadeemaayey, jiba yaraha ina Balayar baa jeegada u dhacay’e.
Jewiga iyo hawada sare markii miino lagu jeebay, jiheeyihii badduu kaga dhiciyo, johoradoodiiye.
Iyaga isku joorfalay markay jaha-habaabeen’e, imikay jid iyo meel cidla ah jawda ka hayaan’e.
Jibaadkeeda gaalada miyuu jees kastaba yaabay, jiilaal-ka maanta ah miyaa geli la jiid-jiiday.
Jaliilow allahayow miyaa loo jid nixi waayey.

Cali Ismaaciil Carab.

Top


Garta Xeer-Beegti Iyo Xeerarka SomaalidaWaxa Qoray Cabdi Caara-Dhuub

Q:12aad

Garta Muslax

Garta Muslax haddii aynu tusaalayaal iyadana ka bixino, waxa jiray ama dhacday gabadh qurux badan oo godan ka bax ah lana odhan jiray Maydhan, gabadhaas nin waliba wuxuu is-yidhi Allaylehe taasi adiga ku yeeli mayso, ragga qaarna markii ay arkeen waxay is-yidhaahdeen koleyba tan waa la qabaa, laakiin iyada lafteedu markii inan ragba agteeda ka waashay waxay is-odhan jirtay tolow maxaa raggu kugu arkay ee mid qudhi kuula hadli waayey.

Dhinaca kale gabadhaa reerkooduna waxay ku xisaabtami jireen inay gabadhooda Maydhan yarad buuran u goynayso, oo haddii ay cidi ay guur ugu soo gole fadhiisato ay arrinta yaradku noqonayso afkaa-dhabasho iyo waxay qabsadaan. Muddo ka dib Maydhan aabaheed iyo nin ay qaraabo yihiin, isla markaana yaraantoodii saaxiib ahaayeen oo isku soo kacaameen, laakiin intii ay waaweynaadeen ay kala tasoobeen ayaa maalintii dambe is-helay ka dibna waxay arrintoodu noqotay "Gacal kala maqnaan jirey iyo geeluba waysu ololaan".

Waqtiga ay is heleen waxay labaduba ahaayeen geel jire, ka dibna nabdaado qurux badan markii ay is-dhaafsadeen ayaa war duleed la kala bogtay, waxa la iska waraystay tikaad iyo tows abaareed wixii jirey, waxa kale oo la iska waraystay nabad iyo khoof wixii jirey. Intaa ka dib hoos-baa la iskula dhaadhacay, iyada oo ay sheekadu noqotay hebel ka waran, heblaayo ka waran, heblaayo yey u dhaxday, hebel yuu ka guursaday, adigu maxaad ubad iyo adduun haysaa. Waxyaalaha markii la iska waayo waraystay ee sheekooyinkii duleed iyo kuwii hooseba la dhamaystay ayaa Maydhan aabaheed lagu yidhi "Oo reerka wax hablo ahi ma ku hadheen", wuxuuna ugu jawaabay "Inaadeer dhawr baa jooga", ka dibna isaga oo ninkii kale dhaqanka ilaalinaya ayuu yidhi "Inaadeer ta u roon magaceed", Maydhan aabaheedna wuxuu ugu jawaabay "Maydhan baa loogu yeedhaa" haddana wuxuu u celiyey "Inanka geela ila wada ayaan gabadh fiican u doonayey, inagana xidhiidhkeeniibay soo celinaysaa ee gabadhaa wiilka ii sii", Maydhan aabaheed-na wuxuu ku jawaabay "Inantaydu way iga talo qaadataaye, wiilkaagu ma kaa talo qaataa", kii kalena wuxuu ku jawaabay "Waar bal ninkaa daya, oo ma waxan kuula ekahay nin ubadkiisu talo dhaafo", haddana Maydhan aabaheed wuxuu yidhi "Xaash’e ma tihid, gabadhiina waan ku siiyee, iga gudoon", dabadeedna arrintii waxay ku dhamaatay hoo iyo gudoon. Intaa ka dib ninkii odayga ahaa wuxuu wiilkiisii ugu bishaareeyey oo uu ku yidhi "Aabe waatii balankeenu ahaa inaan gabadh kuu doono oo kaaga yarad bixiyo, ka dibna Maydhan oo ina hebel ah reer-na ka dhalatay baan maanta kuu doonay, isla markaana qorigeenii maadhiin yaraha ahaa iyo faraskiiba gabaati baan u bixiyey", wiilkiibaa dabadeed yidhi "Aabe hawraarsan", odaygiibaa isna yidhi "Aabe Gudoon waana inoo biyo gu’."

Dabadeed markii gugii la gaadhay ayey odaygii iyo wiilkiisii iyaga oo wada shan geel ah oo dhogor ah ayey u tageen Maydhan aabeheed, halkaas ayaa meherka lagu duugay, aqal-na loo dadbay, iyada oo habeenkaa loo kala tagey Maydhan iyo wiilkii la siiyey, si ay isu bartaan, waxaana la maray qaabkii ardaa dhig lahaan jirey, iyada oo hadalka lagu soo gunaanaday gabadha nagu dara iyo yeelnay. Ka dibna nimankii soo ardaa dhig tagey waxa lagu daray Maydhan oo tiicaysa iyo afar oo xoogga ka masa ah oo dhibaad ah.
Maydhan markii la guryo geeyey waxa loo weegaarey aqal laba daryaale ah oo bari u jeeda, halkaas oo galbiska iyo ciyaaraha dhaqanka loogu dabaal-degay, iyadoo loo dhigay bahal aroos ah oo la isku arkay, ka dibna markii ay todoba baxeen ayaa guryaha baal looga saaray oo meel xeryaha ka baxsan aqal looga taagey, muddo markii laga joogo ayaa niman ay ilma adeer yihiin wiilkii Maydhan guursaday waxa u yimid wiil ina abtigood ah oo cirka laga soo hindhisay (ragganimo dhaaf), magaciisana la yidhaahdo Duulane, isla markaana wuxuu uu wataa bahal faras ah oo sheegan, ka dibna wuxuu ilma abtiyadii ku yidhi "Walaahi naagtaa deyn maayo", sida caadadu ahaydna raggii hore been kuma dhaaran jirin.

La soco

Top


Jilbo-DhiigQiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale : 12aad 

Dhalinyaradii hore ee miyigu waxay ahaayeen dad xishoodka iyo anshaxu debedda ka joogo, sidaa darteed wiilka iyo gabadha dhalinyarada ahi marka ay haasawayaan waxa uu dhaqanku ahaa in mid-ba geed dhinaca kale iska soo taago, taas oo ay gabadhu mar-ba qori ka jabsan jirtay geedka dhiniciisa, wiilkuna sidoo kale mar-ba laan ayuu geedka ka maroojisan jiray, hangoolkiisana mar-ba dhulka ku muddi jiray oo uu isna Madaxa kaga fadhiisan jiray, halkaas oo ay isku dhaafsan jireen weedho ay sarbeebta iyo duur-xulku ku badan yihiin, iyadoo dhinaca kalena xujada iyo hal-xidhaalaha la isu miisayo, waxaana ka mid ahaa murtida ay wiilka iyo gabadhu isku xujayn jireen "Dhagaxaa Sooh" iyo "Waayahaye adiguna calali", "Dhulka duub", "Waayahaye adna ka kac". Sidoo kale dhalinyarada reer miyiga ahi waxay fagaarayaash ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo gaafka arooska isku dhaafsan jireen heeso sarbeeb iyo hogatusaalayn haasaawe ah iyo hal-xidhaalayaal la isku xujaynayo, sidoo kale heesahaa iyo hal-xidhaalayaashaasi waxay ahaayeen kuwo si sarbeeb ah la isugu waraysan jiray, iyadoo la isku waydiin jiray halku uu reerku deganaa jiilaalka ama gu’ga iyo hadii ay yihiin kuwo sheeko hore lahaa axdigii u dhexeeyey inu jiro iyo inkale. Laakiin xiliyada ay fursadaha haasaawuhu iman jireen waxay inta badan ahaayeen xiliyada barwaaqada ah ee roobku jiro.

Odayaasha beesha Mooge (Biixi Aabihii), iyaga oo og jeebka iyo xerada Mooge ayey had iyo goor siin jireen xoolo muquuno ah, taasina waxay ka dhigtay Mooge inuu xoolo wanaagsan yeesho.
Biixi waxa uu arintiisii u bandhigay Aabihii Mooge, taas oo uu Biixi Aabihii u sheegay inuu doonayo inuu guursado, dabadeedna odaygii Mooge kuma gacan saydhin, sidaa darteed dhawr neef oo Ahmin ah ayuu sayladda u soo taxaabay.

Run ahaantii dagaalkii uu ayaamaha ku jiray, ka dib Biixi waxaan mar qudha xusuustiisa ka bixi jirin jacaylkii Xayaad, waxaana naftiisa jiif iyo joog-ba u diiday hammi iyo qammi qalbigiisa iyo maskaxdiisa hadhsanaya. Laakiin hadalada uu hoos ugu xanshaashaqayey waxa ka mid ahaa "Hadii aan dukaan yar samaysto oo aan ayaamo ku tacabto, lacagna ka soo saaro miyaanan Xayaad soo xero gelinayn."

Odaygii Mooge dhawrkii Ahminka ahaa inta uu magaalada ka iibiyey ayuu lacagtii ka soo baxday faraqa ugu guntay wiilkiisii Biixi, isaga oo u sii duceeyey, ka dibna sidaas ayuu ku baqoolay, isaga oo dib ugu noqday magaaladiisii , laakiin markii uu magaaladii soo galay ayuu markiiba u tegay saaxiibadii sii ula tashado, dabadeedna markii taladii la rogrogay waxa laga qaadi-waayey inuu Biixi lacagta yar ku sameeyo dukaan yar, dukaankaas yarna laga dhigo xaafadda Xayaad degan tahay, weliba meel gurigooda u dhow, ka dibna saaxiibkii Faysal ayaa yidhi "Weliba yeynaan meel kasta ka dhigine waxaynu dukaanka ka dhigaynaa halka ay baska ka raacdo si indhaheeda iyo indhahaagu mar walba isugu dhacaan". Sidaas ayaana dukaankii lagaga sameeyey meel ay ku soo jeedda waddo ay Xayaad soo marto marka ay gurigeeda ka soo baxdo, laakiin nasiib wanaag maalintii dambe ayey Xayaad oo alaab doonaysaa daf soo tidhi dukaankii Biixi, dabadeedna Biixi waxay ku noqotay yaab iyo qaadan-waa, sidaa darteed dadkii kale ee merfeshka dukaanka hoganayey ayuu Biixi degdeg u kala dareeriyey oo si dhakhso u kala siiyey wixii ay doonayeen, balse Biixi waa shooksan yahay, waxaana mooralkiisa saaqay dareen jacayl, taas oo ay ishiisu ka bogatay aragtida Xayaad oo awel cidhiidhi ku ahaan jirtay, laakiin Biixi sidii hore caadada ugu ahayd ma degdegani, isla markaana waxa uu u dhaqmay si diblomaasiyaddi ku dheehan tahay, ka dibna inta uu dhoola-cadeeyey ayuu si degan oo dareen soo jeedasho lihi ku dheehan yahay u yidhi "Ma gabadhii Diidan baa", laakiin Xayaad iyada oo ka dheregsan waayaha Biixi iyo inuu iyada darteed rafaad badan u maray oo uu xataa iskuulkii uga baxay iyada awgeed, isla markaana aan ilowsanayn ee si fiican u xusuusan inay dhawr goor diiday ayey ku tidhi "Walaal gacaliye maxaan diiday."

Biixi markii uu maqlay ereyga "Gacaliye" ayuu farxad iyo yididiilo la dheellantay, wuxuuna u qaatay inay Xayaad ka soo debecday mawqifkii adkaa ee ay arintiisa ka taagnayd, sidaa darteedna uu caashaqii eerigo’anta la helay wehel iyo hiil-ba helay, isaga oo hoosta ka yidhi "Alxamdulilaah sowtan Xayaad ka soo debecday mawqifkii bilaa naxariista ahaa ee ay iga taagnayd". Laakiin intuu ku soo dhowaaday ayuu ku yidhi "Xayaadeey gacaliso mar uun ii calool debec oo iga goo falaadhaha garka wadne igaga taagan, ta kale gacaliso hay maqlin odayga aabahaa, ileyn ceebi taa kaa raaci mayso, waayo waxaan wiil dhalinyaro ah oo geyaankaa ah ee adna nabsiga iska leexi, anigana naftayda ha galaafan."

Xayaad markii ay weedhahaa maqashay waxoogaa walaac ah ayaa nafteeda ka muuqday, isla markaana waxay u muuqatay inay waxoogaa naxariis ah u muujisay Biixi oo aan uga barran wax jixinjix ah haba yaraatee, laakiin waxay ugu jawaabtay "Walaal arintu hadda waa igu kedis, waayo adigana meesha kaama filayn, arintana waxaan moodayey inaad beri hore ka quusatay, sidaa darteed arinta kuma degdegayo’e bal aan soo lafo-guro."

Biixi hadalkaa maba filayn, sidaa awgeed si degdeg ah ayuu u yidhi "Waayahay gacaliso", isaga oo isu haysta inaanay arintiisu dhamaad waxba ka duwanayn, laakiin Xayaad intaa Biixi kagama tegine waxay u soo siibtay fargal ay xidhnayd, iyadoo ku tidhi "Walaal fargalkaana xusuus ahaan u hayso".

Biixi markii ay Xayaad fargalkeedii u soo fiiqday ee ka gudoomay ayey farxadiisu noqotay wixii hore quba oo uu dhidid tin iyo cidhib qoyey, isla markaana ay jidhidhico darteed xaaddu istaagtay...

La soco cadadka dambe.

Top