Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 303 Date April 4, 2003

Madaxweyne Rayaale Oo Qaabilay Wefti Itoobiya Ah.

Dawladda Ingiriiska Oo Lacag Ugu Deeqday Hawlaha Doorashada Somaliland

Midow Dhexmaray Xisbiga UDUB, Ururkii SAHAN Iyo Garabyo Ka Soo Go’ay KULMIYE Iyo UCID Maxay Madasha Ka Yidhaahden Dr. Gaboose Iyo Cabdi Xasan Buuni?

Is-Maan-Dhaaf Kulul Oo Ka Dhex Aloosmay Dawladda Dhexe Iyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa.

“Haddii Berbera Laygaga Adkaado Ii Dhadhami-Mayso” Madaxweyne Ku Xigeenka oo ka hadlay Berbera.

Boorama: Loollan Xiisad Iyo Isku-Dhac Keenay Oo Ka Dhex Oogan Taageerayaasha KULMIYE Iyo UDUB.

Xisbiga UCID Oo Dardar Geliyay Ololihiisa Doorashada.

Dawladda Ciraaq Oo Beenisay In Ciidamada Maraykanku Ku Soo Dhawaadeen Madaarka Baqdaad. Muftiga Islaamka ee Dalka Ruushka Oo Ku Baaqay in Jihaad Lagaga Hortago Maraykanka.  

Dawladda Itoobiya Oo Diiday Qaraarka Gudida Calaamadinta Xuduudda

Hogaamiyayaashii Dhowaan Ku Soo Biiray Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Kheyriyadda Burco.

Odayaal reer Hargeysa Ah Oo la Xidhxidhay Lana Siidaayay Xalay Fiidkii.

Haweenka Somaliland Ah Oo Ka Hadlay Kaalintooda Siyaasadda.

Sixid.

Sooyaalka Taariikheed ee Ciraaq Waxaa Qoray Siciid Ismaacil Guraase, Q: 2aad

Jilba Dhiig.

Garta xeerbeegti.

Waxaan Doonayaa In Dawladda Reer Miyiga Xil layga magacaabo.

Xisbiga Kulmiye Iyo Ololihiisa Xaamiga Ah.

WAADIGA CIYAARAHA.


Madaxweyne Rayaale Oo Qaabilay Wefti Itoobiya Ah.

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo wasiiru dawlaha arrimaha dibedda ee Itoobiya, Mr. Tekedu Alamu, kulankaas oo ahaa mid aan saxaafadda loo oggolayn waxa markii uu dhammaaday ay madaxtooyada Somaliland soo saartay war-saxaafadeed lagu qeexayo waxyaabihii lagaga hadlay, warsaxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale wuxuu u qornaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa saaka (shalay) xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday xukuumadda fadaraaliga ah ee dalka Itoobiya oo uu hoggaminayay wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda Mr. Tekedu Alamu.

Wasiiru-dawlahaa oo ugu horrayn ka mahad-celiyay sida kalkacaltooyada ah ee loogu soo dhoweeyay Somaliland, sidii caadada u ahayd, wuxuu Madaxweynaha u gudbiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha iyo Ra’iisal-wasaaraha xukuumadda fadaraaliga ah ee dalka Itoobiya Mudane Gidhada iyo Meles Zenawi.

Waxa uu intaas raaciyay in ujeedada socdaalkani ay la xidhiidho ka warhaynta marxaladdan qiimaha weyn ugu fadhida Somaliland ee doorashada madaxtooyada, iyo isu xog-waran la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka labada dal, waxaan ereyadiisii ka mid ahaa; Somaliland waa saaxiib la isku halayn karo, taasi oo dan u ah labada dal.

Kulankaas oo ay Madaxweynaha kala qaybgaleen wasiiradiisa Arrimaha Dibedda iyo Horumarinta Bulshada iyo qoyska Mudane Gees iyo Marwo Edna, waxa si qalbi furan labada dhinac ay isugu dhaafsadeen xog-waran la xidhiidha marxaladdan kala guurka ah ee Somaliland ay marayso, mawqifka Caalamka ee hadda arrinta Somaliland dhegahoodu ay u furan yihiin iyo sidii sumcaddaa Somaliland ay ku kasbatay wax-qabsigeedii dhinaca nabad-gelyada, xasiloonida, dib-udhiska, ay uga tabcatay dhismaha maamul hanan kara sharci iyo kala dambayn inay ka hana-qaado Somaliland iyo dib u dhis la taaban karo, sidii looga ilaalin lahaa wixii qalin daaraya.

Wuxuu madaxweynuhu ku tilmaamay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya inuu ahaan doono mid waligiiba jira, oo u baahan inuu sii kobco maxaa yeelay dantooda ayaa kala maarmaan ah maadaama Ilaahay meel ku wada abuuray.

Waxa kale oo uu arrimaha uu ku dheeraaday ka mid ahaa dedejinta marinadii sharciyaysnaa ee uu isaga gudbi lahaa ganacsigu, arrintaa oo dawlad ahaan iyo shacbi ahaanba dhibaato dhaqaale nagu haysa.
Kulankaasi oo si saraaxad ah lagu wadahadlayay wuxuu ku dhammaaday jawi wanaagsan.”

Sidoo kale, Weftiga Itoobiya ee uu hoggaaminayo Mr. Tekedu Alamu wuxuu kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta guddida doorashooyinka Qaranka iyo hoggaamiyeyaasha labada xisbi ee mucaaradka ah Mr. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, laakiin lama sheegin waxyaalihii ay ka wada hadleen, waxaana lagu wadaa inay weftiga Itoobiya dalkoodii dib ugu laabtaan maanta gelinka dambe.
 

Top


Dawladda Ingiriiska Oo Lacag Ugu Deeqday Hawlaha Doorashada Somaliland

Addis Ababa (Haatuf): Dawladda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaaday in ay hawlaha doorashooyinka Madaxtooyada ugu deeqday lacag gaadhaysa 125,000 (boqol shan iyo labaatan kun) oo giniga Ingiriiska ah, sidaana waxa lagu cadeeyay war shalay ka soo baxay Safaaradda Ingiriiska ee magaalada Addis Ababa.

Warku waxa uu sheegay in 116,000 (boqol, lix iyo toban kun) oo lacagtaa ka mid ah loogu deeqay in lagu qabto hawlaha guddiga doorashooyinka Qaranka, iyadoo loo soo marin doono hay’adda sama-falka Jarmalka ah ee GTZ, waxayna dawladda Ingiriisku sheegtay in ay lacagtani qayb ka tahay dhaqaalaha ay beesha caalamku ugu talo-gashay in ay Somaliland kaga caawiso hawlaha doorashada, lacagtaas oo guud ahaan xadigeedu gaadhayo 200, 000 - 250,000 (laba boqol ilaa laba boqol iyo konton kun) oo Giniga Ingiriiska ah.

Waxyaalaha loogu talo galay inuu dhaqaalahaasi ku baxo, waxa ka mid ah; isgaadhsiinta hawlaha foodka, tababaro la xidhiidha hawl-wadeenada iyo guddiyada doorashooyinka ee ka hawl-gelaya goobaha foodku ka dhacayo iyo waxyaalaha kale ee khuseeya hawlaha doorashada oo ay ka mid yihiin; wakiillada musharaxiinta u tegaya xisbiyada goobaha foodku ka dhacayo.

Dawladdu Ingiriisku, waxa ay sheegtay in ay bixinayso lacag kale oo tan ka dheeraad ah, taas oo ah 4,000 (afar kun) oo giniga Ingiriiska ah, looguna talo-galay in lagu kharashgareeyo koox yar oo khubaro ah oo ka imanaysa Machad Cilmiga Doorashooyinka lagu barto oo ku yaal dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo ka mid noqon doona goob-joogayaasha doorashada iyo weliba in ay ka qayb-qaadan doonnaan tababaro la siin doono wakiillada xisbiyada siyaasadda u tagaya goobaha cod-bixinta.Sida lagu sheegay warkan, waxa kale oo lacagtan afarta kun ah lagu kharash-garaynayaa koox kale oo ka imanaya machad la yidhaa Inter African Group.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa, Mr. Myles Wickstead oo deeqdan ka hadlaya, ayaa yidhi; “Dawladda UK, waxay ku faraxsan tahay in ay awooday in ay caawimo u fidiso doorashooyinka Somaliland, iyadoo aanu hore u caawinay doorashooyinkii dawladaha hoose ee qabsoomay, iyagoo u dhacay si nabadgelyo ah bishii December ee sannadkii hore. Sidoo kale doorashooyinka Madaxtooyada ee foodda inagu soo hayaa, waxay noqonayaan tallaabo kale oo loo qaaday dhinaca qotominta nidaamka dimuqraadiga ah ee axsaabta badan, taasina waxay fursad u tahay dhammaan dad reer Somaliland oo ay ka mid yihiin dumarku, iyadoo ay beesha Caalamku si weyna indhaha ugu hayso doorashadan, sidaa awgeed, waxaanu ugu baaqaynaa Xisbiyada oo dhammi xaqiijiyaan in ay doorashadaasi u dhacday si wanaagsan oo natiijadeeda la ixtiraami karo.
 

Top


Midow Dhexmaray Xisbiga UDUB, Ururkii SAHAN Iyo Garabyo Ka Soo Go’ay KULMIYE Iyo UCID Maxay Madasha Ka Yidhaahden Dr. Gaboose Iyo Cabdi Xasan Buuni?

Xisbiga UDUB Oo Lala Midoobay.

Hargeysa (Haatuf): “Maanta waxa halkan ku midoobaya xisbiga UDUB iyo ururka SAHAN, Garab ka mid ah xisbiga KULMIYE iyo garab ka mid ah xisbiga UCID.” Halkaa waxa lagu furay xaflad shalay lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta Shaqaalaha dawladda magaalada Hargeysa. Xafladaas oo loo qabtay ururkii SAHAN oo uu horkacayo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, koox ka soo go’day xisbiga KULMIYE oo uu horkacayo Cabdi Xasan Buuni iyo nin la yidhaahdo Siciid Jaamac oo isna sheegay inuu ka mid yahay guddiga fullinta ee xisbiga UCID iyo Xisbiga UDUB oo midoobay, waxaana xafladaas oo si weyn loo soo abaabulay khudbado ka jeediyay hogaamiyayaasha dhinacyada midoobay, iyadoo hoolka shirarku ka socday aad loo soo camiray, isla markaana ay jaanta iyo sawaxanku ku badan yihiin. Laakiin waxoogaa maaweelo ah oo heeso iyo gabayo isugu jira, kadib waxa bilaabmay barnaamijkii khudbadaha.

Markii ay khudbaduhu bilaabmeen, waxa ugu horeyn cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay Afhayeenka Xisbiga UDUB, Axmed Xaashi, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay; “Maanta waxaynu halkan u fadhinaa Midowga ururkii SAHAN iyo garabyada KULMIYE iyo UCID oo la midoobay xisbiga UDUB, wayna badan yihiin xisbiyadan midoobay aragtiyaha iyo aydhiyoolajiyadaha ay ka midaysan yihiin, waxaase ugu weyn mabaadi’da ah in wadanka lagu dhaqo diinta Islaamka, laguna socod dimoqraadiyad ku salaysan diinta Islaamka. Waxa kale oo a yka midaysan yihiin in ummadda reer Somaliland dhammaanteed ay nabad iyo walaalnimo ku wada noolaadaan, ayna noqdaan qaran taam ah oo aan qabiil iyo koox midna ku salaysnayn, isla markaana garabyada KULMIYE iyo UCID haddii meelihii ay ku jireen ay cadaalad ka waayeen, waxaanu u ballan-qaadaynaa in ay halkani tahay meel ay ka helayaan cadaaladii ay u harraadanayeen. Ururka SAHAN, waynu garanaynaa abaabulkoodii golayaasha degaanka oo ahaa mid aad u sareeya ururo badana cidhiidhi geliyay, markaa farxad bay noo tahay in ay nala midoobaan, intii in le’eg iyo ka badan ayaanuna filaynaa, waxaana aaminsannahay in ay maanta caddaatay cidda Somaliland ka talinaysa shanta sanno ee soo socda.’

Afhayeenka UDUB, Axmed Xaashi, waxa uu soo hadal qaaday xisbiga KULMIYE oo ay hore ula midoobeen qaybo ururka SAHAN ka mid ahi, wuxuuna yidhi; “Waxaan xusuustaa khudbad uu jeediyay gudoomiyaha KULMIYE mar ay ku biireen Cabdi Aw Daahir iyo koox yar oo uu wataa, maalintaas oo uu Siilaanyo yidhi; ‘Maanta ayuun baa shakigii iga baxay’ laakiin maanta ayuu shakigii ugu weynaa galay Axmed Siilaanyo.” Siciid Jaamac oo isna ka socda UCID, ayaa halkaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa, “In Xisbiga UDUB haysto kalsooni badan, halkan ayay ka iftiimaysaa, waana inaynu u tafa-xaydanaa sidii uu xisbigani u soo bixi lahaa, isla markaana taageerayaasha xisbigii aan ka tirsanaa marka hore mahad baan u celinayaa, mar labaadkana waxaan leeyahay soo raaca laydhkan iftiimaya, mucaaradad meel lala cararaana maanta uma jeedno.”

Waxa kale oo iyaguna madashaa hadalo ka jeediyay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Cabdi Xasan, kuwaas oo uu mid waliba ka waramay sababaha ay ula midoobeen xisbiga KULMIYE, laakiin Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB, Maxamed Ismaaciil Bulaale ayaa ugu dambayn xafladda soo geba-gebeeyay, hadalna halkaa ka jeediyay, isaga oo yidhi; “Nabadgelyaddu sida ay u jabtaa waa wax fudud in la gartona waa wax loo baahan yahay, markaa cidii kale ee la timaadda waa yeelkeed, laakiin inagu (UDUB), waxaynu isku waaninaynaa in aynu iska ilaalino wax kasta oo keeni kara nabadgelyo-xumo, dulqaad badanna aynu samayno.”

Xoghayaha Guud ee UDUB, waxa uu isna tixraacay hadalkii Axmed Siilaanyo ee munaasibadii ay xisbigiisa KULMIYE kula midoobeen qaybo ururka SAHAN ahi, wuxuuna xoghayuhu yidhi; “Soomaalidu waxay tidhaahdaa ninku wuu dhintaa, balse ereygiisu ma dhinto. Sidaa darteed, aniga maanta mid iga qora ‘Maanta ayaan hubaa xisbiga KULMIYE inuu hungoobay’, markaa waa inaynu ogaano in Illaahay wax bixiyo ee aan qarjajac iyo dagaal iyo hanjabaad midna waxba lagu soo helayn.” Xasan Cabdi Buuni iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa madashaa ka jeediyay khudbadaha ugu dhaadheer, laakiin Cabdi Xasan Buuni oo hadalka ku horeeyay, waxa uu ugu horeyn ka hadlay sababta uu KULMIYE uga yimi, isaga oo ku andacooday in aanu ahayn garab yar oo soo go’ay, balse uu hogaaminayo Xisbiga badhkiisii oo soo go’ay, isaga oo yidhi; “Ma nihin garab soo go’ay ee waxaanu nahay xisbi badhkii oo soo go’ay, anaga oo ka kooban dadka reer Somaliland oo dhan.”

Cabdi Xasan Buuni, waxa uu ka mid ahaa xubno dhawr ah oo isu sharaxay jagada Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE, laakiin wuu ku guul-daraystay inuu ku soo baxo, kadib markii lagaga cod batay madashii lagu kala dooranayay raggii jagadaa isu soo sharaxay, iyadoo jagadaa ku soo baxay C/raxmaan Aw Cali Faarax oo hadda ah musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE, laakiin Cabdi Xasan Buuni, waxa uu ku dacwiyay in cadaalad-darro ka dhacday xisbiga KULMIYE dhexdiisa, sababtaana ay uga yimaadeen isaga iyo ragga kale ee la socdaa, wuxuuna isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi; “75 xubnood oo xubno ka ahaa golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa ka biyo-diiday markii uu xisbiga KULMIYE ka baaqsaday mabaadi’dii aanu kaga mid noqonay oo ahayd in la helo wado tashi, doorasho xor ah oo cadaalad u dhacda xibiga gudihiisa iyo xoojinta midnimadda ummadda reer Somaliland iyo in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud, taas oo awoodii guddiga fullinta loo wareejiyay 7 xubnood oo uu gudoomiyuhu madax ka yahay, halkaana uu ku burburay wada-tashigii. Sidoo kale xisbiga KULMIYE, wuu ka baaqsaday in la helo doorasho xor ah oo cadaalad u dhacda, waayo waad ka war qabtaan wixii dhacay markii la dooranayay musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, sidaa darteedna waxaanu nidhi ma ku sii jiri karnaa cadaalad daradaa dhacday, maxaase dhici kara doorashada kale ee weyn haddii ay maantaba xisbiga KULMIYE taasi dhexdiisa ka dhacday?, jawaabtuna maya ayay noqotay, sidaa ayaanuna KULMIYE kaga baxnay, dabadeedna markii aanu isla eegnay saddexda xisbi, UDUB ayaa noqotay meesha ugu roon oo aanu ku soo biirnay.”
Intaa kadib, Cabdi Xasan Buuni, waxa uu ka sheekeeyay sooyaalkii taariikheed ee Somaliland iyo halgannadii soo maray, isaga oo xusay halgankii xilligii gumaysigii Ingiriiska, halgankii SNM iyo halgankii dambe ee nabaddaynta iyo dhismaha dawladnimada Somaliland, laakiin waxa kale oo uu ka hadlay duruufaha Somaliland ka jira, gaar ahaan dhinaca siyaasadda iyo dhismaha maamulka, isaga oo si gaar ah u xusay gobolka Sool.

“Inta Sool inaga maqan tahay, waynu garanaynaa in ay midnimada Somaliland kala dhantaallan tahay” ayuu yidhi Cabdi Xasan Buuni, wuxuuna intaa ku daray “Waa in aynu dawlad iyo xisbiyo-ba u hawl-galno helidda midnimada Somaliland.”

Cabdi Xasan Buuni, waxa kale oo uu dhaliilay distoorka Somaliland oo uu ku tilmaamay inuu leeyahay gol-daloollooyin badan oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto, laakiin sidoo kale waxa uu aad u dhaliilay go’aankii muddo-kordhinta labada gole ee Wakiillada iyo Guurtida, isaga oo yidhi; “Baarlamaanku waxay muddo-kordhinta ka dhigteen ‘la joojiyaana banaan, la jiifiyaana banaan’, waayo, laga soo bilaabo 1993-kii ilaa maanta waa toban sannadood, isla markaana marka loo geeyo inta ay hadda kordhisteen waa 12 sannadood iyo 13 sannadood, laakiin adduunka laguma arag baarlamaan 13 sanno meel fadhiya.” Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa isna halkaa ka jeediyay hadal dheer oo dhinacyo badan leh, laakiin waxa uu ugu horeyn ka hadlay sidii uu ururkiisa SAHAN u hadhay, isaga oo sababta ku tilmaamay cadaalad-darro lagu sameeyay. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in ay danta ummadda Somaliland wax walba uga tanaasuleen.

“14 cisho markii ay ka hadhsanayd doorashadii deegaanka, ayaa ururka SAHAN la fasaxay oo loo ogolaaday inuu tartanka doorashada ka hawl-galo, laakiin raggii ururka SAHAN ku jiray waxay muujiyeen in ururadii muddada dheer halgamayay ay qaar badan dhaafaan, maantana 14 cisho ayaa doorashadii ka hadhay, markaa 14-kaa cisho waxa uu SAHAN gooyo indhihiina ayay hor iman doonaan.”

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, waxa kale oo uu sheegay in mabaadi’da ururkiisu ahayd ku dhaqanka diinta Islaamka, sidaa darteedna mar ay Madaxweyne Rayaale la kulmeen uu ka ballan qaaday inuu dalka ku dhaqayo mabaadi’da Diinta Islaamka, laakiin wuxuu Gaboose sheegay in aanay Madaxweyne Rayaale xilal iyo maaliyad toona weydiisan, iyadoo uu Dr. Gaboose dhammaan xubnaha iyo taageerayaashii ururka ku amray in ay ku biiraan UDUB laga bilaabo shalay.

Dr. Gaboose, waxa kale oo uu khudbadiisa ku soo hadal qaaday guddiga doorashooyinka oo uu ku eedeeyay in aanay doorashadii ururada u cadaalad fallin, laakiin wuxuu ugu baaqay hadda kadib in ay dadka u cadaalad fallaan.

Hore garab ka tirsan ururka SAHAN, ayaa ku biiray Xisbiga KULMIYE, laakiin Gudoomiyaha SAHAN, Dr. Gaboose, inkasta oo aanu tafaasiil dheeraad ah ka bixin, isla markaana soo hadal qaadin raggii KULMIYE ku biiray, haddana waxa uu madasha ka sheegay inuu ururka SAHAN dhan yahay, isla markaana ay hogaankiisii halkan wada fadhiyaan, sidaa darteed uu ururka SAHAN, isagoo isu dhan ku biiray UDUB.

Dr. Gaboose, waxa kale oo uu sheegay in inkasta oo uu sheegay inuu raacsan yahay halka uu ururkiisu ku biiray, haddana wuxuu intaa ku daray inuu isagu si gaar ah ugu mashquuli doono hawlihiisii dhakhtarnimada.
 

Top


Is-Maan-Dhaaf Kulul Oo Ka Dhex Aloosmay Dawladda Dhexe Iyo Dawladda Hoose Ee Hargeysa.

“Waxa jira arrimo marag-fur u ah In Qoraalka Xeer-ilaaliyaha iyo Xildhibaanka uu wax ka diyaariyay Wasiirka Daakhiligu” Afhayeen u hadlay Golaha Deegaanka Hargeysa
“Xeer-ilaalinta iyo Golaha Wakiilladu waa laba hay’adood oo madaxbanaan ee maxaa aniga ii keenay qoraalladooda.”

Hargeysa (Haatuf): “Wasaarada Arrimaha Gudaha oo hore u maamuli jirtay dawladda hoose, waxa iminka ka dhaadhici wayday oo ay u qaadan la’dahay in ay ay dawladii hoose ka madaxbanaan tahay oo gole degaan la soo doortay, laakiin haddii aanu nahay golaha degaanka, ma yeelayno in dawladda hoose debedda lagaga soo sameeyo faro-gelin.” Sidaa waxa yidhi, Afhayeen u hadlay Golaha Degaanka Hargeysa, iyaga oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta dawladda hoose, waxayna si ba’an u canbaareeyeen qaar ka mid ah madaxda dawladda dhexe, kuwaas oo ay ka eedeeyeen in ay faro-gelin ku sameeyeen maamulka dawladda iiyio hawlaha golaha degaanka ee dhawaan la doortay, laakiin shirkan jaraa’id waxa uu daba socday muran cirka isku shareeray oo mudooyinkan u dambeeyay ka dhex aloosnaa golaha degaanka Hargeysa iyo dawladda dhexe, kadib markii ay labada dhinac si weyn isugu maan-dhaafeen qaabka ay u wado shaqaynayaan iyo awoodaha ay kala leeyihiin, taasina waxay keentay in ay labada qolo si is-daba joog ah isu dhaafsadeen qoraalo kulkulul oo ay isugu jawaabayaan, iyadoo ay dhinaca dawladda sare arrinta soo gacan geliyeen qolooyin dhawr ah, sida wasaarada daakhiliga, xeer-ilaalinta iyo golaha wakiillada dir-kaba, halkaana waxa aloosmay dagaalkii xiddigaha.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda, Xuseen Cabdi Qaalib, ayaa 31-kii bishii March 2003, soo saaray qoraal uu ku socod siiyay xoghayaha fullinta dawladda hoose ee Hargeysa, isaga oo ogeysiin-na siiyay dhinacyo ay ka mid yihiin; Wasiirka Daakhiliga, Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, laakiin qoraalkaas oo uu Xeer-ilaaliyuhu ku canaantay Xoghayaha Fullinta Dawladda Hoose, waxa uu ka dalbaday inuu warbixintooda u soo gudbiyo sida ay u dhaceen go’aamo iyo tallaabooyin ay ku dhaqaaqeen golaha degaanku, iyadoo uu Xeer-ilaaliyuhu qoraalkiisa ku sheegay in waxyaalaha ay Golaha Degaanku ku dhaqaaqeen aanay qaynuunka waafaqsanayn, isla markaana Xeer-ilaaliyuhu wuxuu qoraalkiisa ku xusay inuu daba socdo dacwad ay wasaarada daakhiligu arrimahaa ka soo gudbisay, wuxuuna Xeer-ilaaliyuhu qoraalkiisa ku yidhi, “Anigoo tixraacaya qoraalka golaha wakiillada ee sumadiisu tahay GW/GSSH/382/2003, ee 20/3/2003, ujeedadiisuna ahayd xil-dhaaf iyo gefaf sharci iyo qoraalka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee sumadiisu tahay WAG/XW/281/11/2003, ee 29/3/2003, ujeedadiisuna ahayd baadhi eedaymeed.

Haddaba, si xafiiskani u ogaado xaqiiqada jirta ee ay ka hadlaya qoraaladaasi waxa la weydiisanayaa Xoghayaha Dawladda Hoose sida uu jideynaayo qodobka 30 ee Xeer No. 23/2002 inuu xafiiska us oo gudbiyo si degdeg ah go’aanada lagu gaadhay arrimaha soo socda;
In loo magacaabay xubno Golaha Deegaanka ka tirsan in ay ka hawl-galaan xafiisyada degmooyinka caasimadda, taas oo ka baxsan waajibaadka ku cad qodobka 20aad ee Xeer No./23/2002. In ay Golaha Deegaanku qorshaysatay mushaharooyin, gunooyin, xil, taas oo ka baxsan qodobka 31aad ee xeerka No. 23/2002. In ay Golaha Deegaanku curiyey cashuuro iyo takaaliif aan xeer jideyn, taas oo aan waafaqsanayn qodobka 12 iyo 54aad ee Dastuurka Qaranka iyo Xeerka No. 12/2000.
In Golaha Deegaanku u codeeyey in shaqada laga eryo shaqaale tiradoodu boqol kor u dhaaftay, si aan waafaqsanayn xeer Lam. 7/1997 (Civil Service Law).

Si haddaba xafiiskani u ogaado, ugana go’aan qaato haddii gefaf sharci dhaceen, waxaa muhiim u ah inuu helo qoraaladii laga gaadhay arrimaha kor ku xusan.”

Waxa kale oo isna arrinta Golaha Deegaanka qoraal ka soo saaray Gudoomiyaha Guddiga Shuruucda ee Golaha Wakiillada, wuxuuna qoraalkiisa ku eedeeyay Golaha Deegaanka Hargeysa oo uu ku tilmaamay in ay ku tallaabsadeen waxyaalo gef sharci ah iyo ku tagri-fal awoodo aanay lahayn, isaga oo yidhi, “Waxa beryahan dambe isa soo taraya gefaf sharci iyo xil-dhaaf ay ku tallaabsadeen golayaasha deegaanka qaarkood, waayo waxa la magacaabay xubno golaha deegaanka ah in ay si joogto ah uga hawl-galaan xafiisyada degmooyinka Caasimadda iyo waaxyaha dawladda hoose, taas oo macnaheedu noqonayo in ay golihii deegaanku ku milmeen guddigii fullinta ee ay ahayd in ay xil-gudashadooda ku kaantaroolaan iyo inuu golaha deegaanku gabbay xilkii ummaddu u igmatay.

Waxa kale oo golaha deegaanka caasimaddu qorshaystay mushahaarooyin iyo gunooyin xil oo aanu u meel-dayin, taas oo gabood-fal ku ah qoondaysiga hanti ummadeed iyo ku xad-gudub sharcin, maadaama shaqadoodu tahay tabaruc aan wax mushahar ah lagu qaadan karin, sida ku cad qodobka 31aad ee xeerka.”

Gudoomiyaha Guddiga Shuruucda ee Wakiilladu, waxa kale oo uu golaha deegaanka ku eedeeyay in ay sameeyeen tacriifado cashuuraha dawladda hoose ah, taas oo uu ku tilmaamay in aanay lahayn wax daliil sharci ah, isaga oo yidhi; “Waxay qallin-daraaleeyeen tacriifadii cashuuraha dawladda hoose ee ay golaha wakiilladu ansixiyeen ee ahayd xeer Lam. 12/2000, waxaana halkaa ka cad in ay ku xad-gudbeen qodobka 54aad ee dastuurka.”

Sidoo kale, wuxuu gudoomiyahani golaha deegaanka Hargeysa ku eedeeyay in ay shaqada ka eryeen shaqaale tiradoodu kor u dhaaftay boqol qof, kuwaas oo uu ku tilmaamay in aan erigooga loo cuskan nidaamka sharci ee lagu dhaqo shaqaalaha iyo waxyaale kale.

Laakiin dhinaca kalena, Afhayeen u hadlay Golaha Deegaanka Hargeysa oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Ismaaciil Shabeel, ayaa jawaabo kulkulul ka bixiyay qoraallada ka soo baxay dhinacyada aynu kor ku soo xusnay. Sidaa darteed, Jaamac Shabeel, waxa uu ugu horeyn isaga oo u jawaabaya Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka yidhi; “Xeer-ilaaliyuhu afarta arrimood ee uu qoraalkiisa ku xusay hal qodob oo keliya oo ah arrinta shaqaalaha la eryay ayaanu u aragnaa inuu soo geli karo, waa haddii ay jiraan shaqaale xuquuqdooda la dulmay oo ay tahay inuu u dooddo marka ay u soo dacwoodaan, isaga oo marka hore u maraya hay’adda Shaqaalaha, laakiin arrinta noocaas ahina kama muuqato qoraalka Xeer-ilaaliyaha, sidaas darteed waxa isweydiin leh Xeer-ilaaliyaha Guud sidan badheedhka ah ee uu u soo fara-gelinayo hawlaha golaha deegaanka caasimadda, taas oo aanu odhan karno mudanuhu ma garan-la’a shaqadiisa, balse waxaan leeyahay timir lafbaa ku jirta, waxaanuse ku leenahay yaanay mar dambe dhicin gacan-dhaaf intaa le’eg oo aad ku samayso golaha deegaanka.”

Sidoo kale Afhayeenka Golaha Deegaanka Hargeysa (Jaamac Shabeel), waxa kale oo uu jawaab kulul ka bixiyay qoraalka uga yimi Gudoomiyaha Guddiga Shuruucda Wakiillada, qoraalkaas oo ilaa saddex bog ka kooban, waxa uu Afhayeenku sharax kaga bixiyay waxyaalaha eedaymaha ah ee loo jeediyay golaha deegaanka, isaga oo dhammaantood waxyaabihii lagu eedeeyay golihiisa gaashaanka ku dhuftay, isla markaana qoraallada dhinaca dawladda sare uga yimid ku tilmaamay kuwo soo marin habaabay. “Waa been hubsiimo la’aan kaaga soo butaacday marka aad leedahay waxa la kordhiyay Cashuur, taas oo aan marnaba dhicin,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel, isaga oo intaa ku daray; “Shaqaalaha la eryay ee aad ka hadashay ma aha kuwo si xalaal ah u soo maray hay’adda shaqaalaha, waxayna hay’adda shaqaaluhu go’aamisay in dawladda hoose u baahan tahay 450 shaqaale ah, maantana waxa jooga in ka badan 700 oo shaqaale ah, ta kale nin Madaxweyne eryay fadeexadiisuna sii muuqato cidii u dooddaa iyadaa ku ceebaysan, waxaana laga hadli karaa shaqaale ku yimi sife sharci ah, markaa maxaa ku geliyay, mise cidbaa ku tidhi intaa noo dheh, mase ogtahay Xildhibaan in Wasiirka Arrimaha Guduhu magacaabay Gudoomiyaha Degmada Koodbuur ee Hargeysa, mase ogtahay in Wasiirka Arrimaha Guduhu dib u soo magacaabay dadkii xeer Madaxweyne lagu eryay. Markaa arrimahaasi, miyaanay ka horimanayn mabaadi’da aasaasiga ah ee is-maamulka gobollada iyo ku tumasho xeerka gobollada iyo degmooyinka.”

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku soo geba-gebeeyay; “Arrimaha aanu kor ku soo sheegnay meelna kama soo galaan shaqada Guddiga Shuruucda ee Golaha Wakiillada, isaguna kama shaqeeyo Wasaarada Arrimaha Gudaha, sidaa darteed qoraalka Xildhibaanku waxay aflagaado ku tahay karaamada mudanayaasha, waxaanuna u sheegaynaa in aanu na xukumin Wasiirka Arrimaha Guduhu.”

Afhayeenku Shirka Jaraa’id ee uu qabtay, waxa uu ku sheegay in qoraalladan uu ku lug leeyahay Wasiirka Arrimaha Guduhu, isagoo arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi; “Qoraalkan waxa ku jira arrin marag-fur u ah inuu wax ka soo diyaariyay Wasiirka Daakhiligu. Tusaale ahaan, Xeer-hoosaadka golaha deegaanka, annagu waanu dhammaynay diyaarintiisa, laakiin umaanu gudbin Wasaarada Arrimaha Gudaha, balse cidda keliya ee ogi waa Wasiirka Arrimaha Gudaha, markaa miyaanu wasiirku taa u sheegin Xildhibaanka waraaqda soo qoray, ilayn isagu taa ma ogayne.”

Afhayeenkani, waxa uu Madaxda sare ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ku eedeeyay in ay faro-gelin ku hayso golaha deegaanka iyo maamulka dawladda hoose, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Wasaaradii Arrimaha Gudaha ee hore u maamuli jirtay dawladda hoose, maanta waxa ka dhaadhici kara la’ in ay ka madaxbannaan tahay oo gole deegaan la soo doortay, laakiin ma ogolaanayno wax faro-gelin ah oo dawladda hoose debadda lagaga soo sameeyo.”

Dhinaca kalena, Wasiirka Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan oo aanu xalay caweysinkii la xidhiidhnay, waxna ka weydiinay qoraallada lagu eedaynayo inuu ku lug lahaa ama ka dambeeyay, waxa uu sheegay in aanu wax shaqo ah ku lahayn, isaga oo yidhi, “Labadaa hay’adood (Wakiillada iyo Xeer-ilaalinta), waa laba hay’adood oo madaxbanaan, iyagaana xaq u leh cidii ay sharci-jebin ku qabsanayaan anigana ha ahaatee, markaa maxaa aniga ii keenay qoraalladooda iyo arrimahooda, xageebaan ka soo geli karaa.”
 

Top


“Haddii Berbera Laygaga Adkaado Ii Dhadhami-Mayso” Madaxweyne Ku Xigeenka oo ka hadlay Berbera.

Berbera (Haatuf): Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ahna Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga UDUB iyo weliba musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UDUB iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa saddexdii maalmood ee ina dhaafay socdaal la xidhiidha ololaha doorashada ku gaalaa-bixinayay degaamada gobolka Saaxil, iyadoo ay weftiga Madaxweyne Ku-xigeenku Arbacadii dorraad ka bixitimay magaalada Hargeysa, wuxuuna weftiga Madaxweyne Ku-xigeenku ku sii hakaday dhammaan tuullooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, meelahaas oo uu dadweynihii deggenaa kula hadlay, isagoo ku guubaabiyay in ay codkooda siiyaan Xisbiga UDUB ee uu ka sharaxan yahay.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, abaaro 12:30 duhurnimo ayay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo weftigiisu soo gaadheen magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxaana halkaa si weyn ugu soo dhaweeyay dadweynaha reer Berbera, iyadoo ay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo weftigiisa jidka ka soo daadihiyeen boqolaal gaadhi oo kuwa xamuulka ee ururka Tawfiiq u badan, arrinta soo dhaweynta Madaxweyne Ku-xigeenka si weyn ayaa xarakaadkeeda looga dareemay magaalada Berbera.

Madaxweyne Ku-xigeenku, waxa uu meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha reer Berbera, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii uu kala hadlay halka ay marayso siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, wuxuuna yidhi, “Dadka qaar waxay ku af-gobaadsadaan in xidhiidhkii aynu la lahayn Itoobiya uu xumaaday, taasna waxba kama jiraan.”

Laakiin Madaxweyne Ku-xigeenka oo ay weftigiisa ka mid ahaayeen Xubno ka tirsan Jaaliyadda dalka Ingiriiska ee reer Somaliland, kana mid ah taageerayaasha Xisbiga UDUB, kuwaasna isagoo Madaxweyne Ku-xigeenku ka hadlayay wuxuu yidhi, “Waxa ila socda shan xubnood oo ka socda Jaaliyadda dalka Ingiriiska, kana taageerayaasha Xisbiga UDUB, socdaalkooduna yahay gurmad ay kaga qaybgalayaan tartanka doorashada.” Kadibna, nin la yidhaa Muuse Gaa-gaale oo ka mid ah shantaa nin ayaa halkaa ka hadlay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa, “Shalay markii aanu Dacarbudhuq soo gaadhnay, ayaan hoos ahaan u waraystay dadka, waxaanan ku idhi ‘waaryadhaheen waxa la yidhi magaalada waxa isku haysta gabadh iyo wiil ee keebaa dadku u badan yahay’, waxay igu yidhaahdeen ‘waxa taageero badan inanta oo dadku waa KULMIYE’, waxaan ku idhi, ‘waar heedhe, inantu diiqo ayay idinku leedahay ee maad afar gaadhi oo raashin ah u rartaan, xilka qaranka dhibaad ha u bixinina’e’.”

Waxa kale oo fagaarahaa ka hadlay Gudoomiyaha UDUB ee gobolka Saaxil, Maxamed Faarax Qabiile oo sheegay in ay abaabul badan gobolka ka sameeyeen, laakiin ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka, ayaa munaasibadaa khudbad ku soo gunaanaday, isaga oo ku tiraabay weedho badan oo aan ka tagganayn ololaha doorashada, waxaana ka mid ahaa waxyaalaha uu ku bushaareeyay Warshada Sibidhka Berbera oo uu sheegay in ay ku hawlan yihiin qorshe lagu maalgeliyo, laakiin isagoo ka hadlaya ololaha tartanka doorashada, wuxuu yidhi; “Musharaxiinta tartamaysa ha moodina in ay col yihiin ee kursigaa la kala riixanayaa ee dadyahow kursi jacaylka nooga duceeya, aniguse waxbaan xambaarsanahay oo waa Kitaabka Quraanka, waayo, nin aan diin lahayni waa nin aan qiyam lahayn.”

Madaxweyne Ku-xigeenku, waxa uu dhalasho ahaan ka soo jeedaa degaamada gobolka Saaxil, sidaa darteed isaga oo si gaar ah ula hadlaya reer Berbera, wuxuu yidhi; “Haddii aanu foodka helno oo laakiin aniga Berbera laygaga adkaado ii dhadhamimayso, markaa maalinta 14-ka bisha ee qof waliba foodkiisa bixinayo sida aad maanta soo dhaweynta weyn noo tusteen, codkiina siiya UDUB.”

Madaxweyne Ku-xigeenku iyo weftigiisu, Khamiistii shalay ayuu magaalada Berbera uga kicitimay dhinaca xeebaha Bari, waxayna wararku sheegeen in socdaalkoodaa ku simi doonnaan magaalooyinka Xeebaha Gobolka Sanaag, sida Maydh, Xiis iyo meelo kale oo xeebta ah, iyadoo la sheegay inuu meelahaana u sii dhaafi doono magaalada Ceeri-gaabo iyo magaalooyinka kale ee gobolka Sanaag, isla markaana waxa lagu wadaa inuu hadhow ka soo wareego dhinaca gobolka Togdheer oo uu soo maro ugu yaraan Sheekh iyo Burco.
 

Top


Boorama: Loollan Xiisad Iyo Isku-Dhac Keenay Oo Ka Dhex Oogan Taageerayaasha KULMIYE Iyo UDUB.

Lama kala dooranayo Daahir iyo C/raxmaan, laakiin…..”

Boorama (Haatuf): Dhaqdhaqaaqyo xamaasad leh oo la xidhiidha ololaha doorashada, ayaa si xooggan uga aloosan gobolka Awdal, gaar ahaan xaruntiisa Boorama, waxayna dhaqdhaqaaqyadaasi sababeen xiisad kulul oo keentay in ay mararka qaarkood gacanta isula tagaan taageerayaasha xisbiyadu, gaar ahaan kuwa UDUB iyo KULMIYE oo si ba’an ugu loolamaya magaalada Boorama.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, ayaa warbixin nooga soo diray inta ay qaro le’eg tahay xiisadda ka dhex aloosan xisbiga UDUB ee dawladda iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, wuxuuna weriyuhu warbixintiisa ku bilaabay, “Iyadoo ay ololaha doorashooyinku si xamaasad leh uga socdaan gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, ayaa waxa soo baxaya dareemo walaac leh oo looga cabsi qabo in ay saamayn ku yeeshaan nabadgelyadda iyo xasiloonida magaalada, waxayna taasi ka dambaysay markii ay si xoog leh isu soo tareen isku-dhacyo dhexmaray kooxaha dhallinyarada u badan ee kala taageersan xisbiyada loolamaya, gaar ahaan UDUB iyo KULMIYE.

Dhaqdhaqaaqyadaa waxa ugu dambeeyay Xisbiga UDUB oo shalay dadweynaha reer Boorama kala hadlay fagaaraha Kheyriyadda, taas oo ay raggii halkaa ka hadlay ku tiraabeen erayo laga dhadhaminayo loolanka adag ee ka dhexeeya xisbiyada UDUB iyo KULMIYE.

“Dadku waxay moodayaan in la kala dooranayo Daahir iyo C/raxmaan, laakiin la kala dooranmaayo ee waxa la kala dooranayaa Daahir, Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, taasina sharafbay inoo tahay.” Sidaa waxa yidhi, Xoghayaha Xisbiga UDUB ee gobolka Awdal, Maxamed Xasan Ardaale.

Waxa kale oo fagaarahaa ka hadlay Ninka Xisbiga UDUB u qaabilsan dhinaca Abaabulka, Maxamed C/laahi, waxaana erayadiisa ka mid ahaa; “Haddii aynu nahay reer Boorama, ma waxaynu nidhaahnaa Madaxweyne ma geyno ee waxaynu geynaa Madaxweyne Ku-xigeen.”

Mudane Aare oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kana mid ahaa raggii ASAD ee UDUB ku biiray, ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna yidhi; “Maanta waa ii kow UDUB oo aan u hadlo, markaa haddaan qaldamo ma aha wax aan u kasay ee ogaada. Anigu waxaan ka imi Hargeysa iyo Bari, waxaanay dadku raaceen UDUB ee maxaa idinka idiin diiday.”

Xafladdaasi markii ay dhammaatay, kadib ayay kooxo dhallinyaro ah oo ka mid ah taageerayaasha Xisbiga UDUB tageen xarunta Xisbiga KULMIYE ee magaalada Boorama, iyagoo ku dhawaaqaya hadalo ka dhan ah KULMIYE, laakiin waxa ka horyimid kooxo kale oo taageersan KULMIYE, taasina waxay keentay in gacanta la isula tago, kadibna waxa halkaa ku dhaawacmay ugu yaraan dhawr qof. Hase yeeshee, dhacdadan iska horimaadka ah ee shalay dhexmartay taageerayaasha KULMIYE iyo UDUB, ma aha mid shalay bilaabmatay ee ugu yaraan afartii cisho ee u dambeeyay, waxa magaalada Boorama ka aloosnaa xamaasad xoog leh oo ay si joogto ah isugu dhacayaan taageerayaasha labadan Xisbi. Taasina waxay keentay walaac dhinaca nabadgelyadda ah. Sidaa awgeed, habeen hore ayaa gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee gobolka Awdal, Axmed Muxumed, Xukuumadda iyo UDUB gaadhsiiyay dacwad ku saabsan rabshadaha dhacaya, isaga oo sheegay in haddii la joojin waayo rabshadaha iyo iska horimaadka oo uu ku tilmaamay in ay ka dambeeyaan qollada UDUB, ay taasi keeni doonto natiijo aan lagu farxi doonin.

Hadalkan ka soo yeedhay Gudoomiyaha KULMIYE ee gobolka Awdal, waxa kale oo lagu sheegay in gelinkii dambe ee shalay la shiiday guriga Musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE, C/raxmaan Aw Cali Faarax, isla markaana la fujiyay calamo xisbiga KULMIYE leeyahay oo sudhnaa guryaha dadweynaha qaarkood.

Sidoo kale, waxa dhacday garabka Haweenka ee KULMIYE oo ay hogaaminayaan Gudoomiyahooda, Ikraan Xaaji Daa’uud iyo Jamiila Xaaji Cige oo hadal u jeedinaya taageerayaashooda mar ay xafiis xisbigoodu leeyahay ka furayeen xaafad ka mid ah magaalada Boorama ay kooxo makarafoono iyo baabuur wataa oo ka mid ah taageerayaasha UDUB buuq ku fureen, taasina ay keeni gaadhay isku dhac, kadibna dirqi lagu kala dareeriyay.
 

Top


Xisbiga UCID Oo Dardar Geliyay Ololihiisa Doorashada

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga UCID ayaa maalintii shalay sagaal xafiis oo cusub ka furtay degmooyinka Koodbuur, Axmed Dhagax iyo xaafada maxamed mooge oo ka tirsan Hargeysa.

Munaasibadihii furitaanka xafiisyadan oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u tiro badani waxa khudbado ka jeediyay madax sare oo ka tirsan xisbiga UCID oo uu horkacayo musharaxa madaxtinimada ee xisbigaasi Faysal Cali Waraabe oo ka warramay, barnaamuj siyaasadeedka xisbigiisa ee madaxtinimada.

Furitaanka xafiisyadani oo ku soo beegmay iyadoo xisbiga UCID uu dardargeliyay ololihiisa dhinaca doorashada, maadaama ay maalinba maalinta ka dambaysa soo dhawaanayso maalinta la qorsheeyay inay dhacdo doorashada madaxtinimada oo ku beegan bishan 14keeda khudbadahan ka jeediyay Faysal Cali Waraabe waxa uu kaga waramay qiimaha ay doorashadani u leedahay dalka iyo dadkaba oo uu ku tilmaamay inay xaq u helayaan inay kala doortaan axsaabta ayna codkooda siiyaan kii ay u arkaan inay dantooda ku aamini karaan.
Furitaanka xafiisyadan waxa soo abaabulay ururo dhallinyaro iyo qaybaha bulshada ah, kuwaasoo muujiyay taageerada weyn ee ay hayaan xisbiga cadaaladda iyo daryeelka.

Waxaa kale, oo munaasibadahaa ka hadlay madax iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga, gaar ahaana Guddiga fulinta. Dhammaanba goobahaa kala duwan waxa ay dadka deggani ku ballan-qaadeen inay si buuxda u taageerayaan xisbiga UCID.

 

Top


Dawladda Ciraaq Oo Beenisay In Ciidamada Maraykanku Ku Soo Dhawaadeen Madaarka Baqdaad. Muftiga Islaamka ee Dalka Ruushka Oo Ku Baaqay in Jihaad Lagaga Hortago Maraykanka

Baqdaad (W. Wararka) - Af-hayeen u hadlay ciidamada xulafada ee Maraykanka iyo Ingiriiska inay kusii dhawaanayaan madaarka magaalada Baqdaad maalintii shalay, iyagoo dagaal ba’an ugu jira sidii ay u qabsan lahaayeen madaarka una geli lahaayeen magaalada oo dhan. Af-hayeenku waxa uu intaa ku daray in ciidamadu ay haatan gaadheen daafaha Baqdaad gaar ahaana agagaarka madaarka dagaalka weyna ay bilaabi doonaan marka ay doonaan.

Madaakra caalamiga ah ee Sadaam waxa uu u jiraa caasimadda Ciraaq 20 km dhinaca koonfur galbeed, waxaanay wakaaladaha wararku kasoo weriyeen ciidamada Maraykanka inay haatan kusii jeedaan mandiqaddaasi iyagoo ku gaashaaman noocyada kala duwan ee hubka, isla markaana uu qorshahoodu yahay sidii ay u geli lahaayeen wadada weyn ee badhtamaha magaaladaasi. Balse waxa taa beeniyay oo Gaashaanka ku Dhuftay Dawladda Ciraaq oo sheegtay inaanay waxba ka jirin sheegashada xulafada. Waxaanay wararku intaa ku dareen in ciidamada gaarka ah ee Xaarisu-Aljamhuuri ay wadaan dhaq-dhaqaaq ballaadhan oo ay kaga hortegayaan ciidamada soo duulay ee kusoo siqaya magaaladaasi. Wasiirka warfaafinta ee Ciraaq Maxamed Saciid Al-Saxaaf oo ka hadlayay shir-jaraa’id maalintii shalay ayaa isaguna beeniyay in wax ciidamo Maraykan ahi ay kusoo dhowaanayaan Baqdaad, ayna inyar u jiraan madaarka Sadaam, taasoo uu ku tilmaamay dacaayado raqiis ah.

Sida ay sheegeen warfidiyeeno ku sugan Baqdaad kumanaan noocyada hubka ee kala duwan ee Maraykanka ayaa ka tallaabay biriijka webiga Furaat oo 25 km u jira Baqdaad, kadib markii ay halkaa ka dhaceen dagaalo la isku hoobtay, waxaana madaafiic sida roobka lagaga dhigay fadhiisimada ciidamada Ciraaq ee ku hareeraysan magaalada, taas oo suurtogal ka dhigaysa inay ciidamada xulafadu kusii dhowaadaan Baqdaad. Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ilaa iyo haatan ay keeneen dagaaladii u dambeeyay, iyadoo aan war sugan laga hayn xaqiiqada dhabta ah ee halkaa ka jirta.

Sida ay sheegeen dad goob-joog ahi, difaaca Ciraaqiyiintu waa uu ka adag yahay sidii la filayay, iyadoo ay ciidamada xulafada u suurtogeli la’dahay in ay gudaha u galaan Baqdaad si fududna u qabsadaan. Wasiirka gaashaan-dhiga ee Ingiriiska Jeff Horn, oo maalintii shalay ka hadlay Baarlamaanka dalkaas ayaa dagaalka ka socda Ciraaq ku tilmaamay mid adag, isagoo sheegay in maalmaha soo socdaa ay yihiin qaar aad u adag, isla markaana aanay si fudud xulafada ugu suurtogalayn inay ku qabsadaan caasimadda Ciraaq.

Dhinaca kale, Dawladda Suuriya ayaa ku tilmaantay weerarka xulafada ee dalka Ciraaq mid argagixiso ah oo ka baxsan qawaaniinta caalamiga ah, iyadoo ka digtay in cawaaqib xumi ay ka dhalan doonto .

Muftiga dalka Ruushka oo ku baaqay jihaad lagaga horjeedo Maraykanka
Muftiga dhinaca diinta islaamka ee dalka Ruushka, Taaju Diin ayaa maalintii shalay ku baaqay in la qaado jihaad weyn oo lagaga horjeedo Maraykanka, taasoo uu sabab uga dhigay weerarka uu ka wado dalka Ciraaq.

Muftigan oo ah ka ugu sarreeya culimada dalkaas waxa ay wakaalada wararka ee Ruushku Inter Fax kasoo werisay inuu yidhi; “Muslimiinta Ruushku waxa ay haystaan arrimo u suurtogelinaya inay cadaadis saaraan Maraykanka, waxaanu samayn doonaa sanduuq gaar ah oo lagu ururiyo kaalmooyinka loogu talogalay dalka Ciraaq, waxaananu iibsan doonaa hub lagaga hortago Maraykanka.” Isagoo intaa ku daray in jihaad si dhab ah loogu dhawaaqi doono maalmaha soo socda, taasoo aanu wax tafaasiil ah ku darin.

Waa markii labaad ee ay muslimiinta Ruushku ku baaqaan Jihaad mudadii ay jirtay Dawladda Ruushku oo ah laba qarni, iyadoo ta hore ahayd sannadkii 1941-kii, markii ay kusoo dalkaa Jarmalku, iyo haatan oo uu socdo dagaalka Ciraaq. Balse waxa la sheegay in muslimiinta Ruushku ay dhinaca Siyaasadda ku kala qaybsan yihiin, iyadoo qaybi ay raacsan tahay Taaju Diin, oo lagu tilmaamo inay ku adag yihiin xagga diinta iyo qaar uu hoggaamiyo guddoomiyaha golaha Diiniga ah Rafiil Janatu Diin.

Amnesty oo dalbatay in baadhitaan laga furo xasuuqa rayidka ee ka socda Ciraaq.

Hay’ada Xuquuqal insaanka ee Amnesty International ayaa ka dalbatay Dawladda Maraykanka in baadhitaan rasmi ah lagu sameeyo xasuuqa la sheegay in ciidamada Maraykanku ay ka geysteen dalka Ciraaq, gaar ahaana magaalada Nejif oo la sheegay in ciidamada Maraykanku ay si ula-kac ah rasaas ooda ugaga qaadeen dad rayid ah, taasoo u jirta caasimadda Baqdaad 150km dhinaca koonfureed.

Sida ay ku sheegtay hay’addu bayaan ay soo saartay shalay waxa waajib ah in maxkamad la horkeeno cid kastoo ay ku caddaato inay xasuuq rayidka ah ka geysteen Ciraaq, iyadoo intaa ku dartay in boro-bagaandho badan oo uu Maraykanku kaga been-abuurayo xaaladda xaqiiqada ah ee ka jirta gudaha dalka Ciraaq.
 

Top


Dawladda Itoobiya Oo Diiday Qaraarka Gudida Calaamadinta Xuduudda

Addis Ababa (W.Wararka) - Dawladda Itoobiya ayaa Gaashaanka ku dhufatay maalintii shalay xukunkii kasoo baxay Guddiga calaamadinta xuduuda u dhaxaysa Itoobiya iyo Eritrea oo degmada Baadhame siisay Dawladda Eritrea.

Sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta ee Itoobiya, Xukunka kasoo baxay guddigaasi waa mid aan la aqbali karin, iyadoo intaa ku dartay in xukuumadda iyo shacbiga Itoobiya ay ka werwersan yihiin sida ay guddigaasi ugu fashilantay arrintii loo xilsaaray.

Guddigan oo ah mid madax-bannaan oo ka socota qaramada Midoobay, go’aan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in degmadaasi ay raacsan tahay Eritrea. Waxaanay Dawladda Itoobiya sheegtay inaanay arrintaasi wax caddayn ah u haynin Q. Midoobay, balse Dawladda Eritrea ayaa iyadu go’aankan taageertay.

Labada dal oo dagaal dhexmaray 1998, ilaa 2000 waxa guddigan magacawday Q. Midoobay si loo soo af-jaro muranka xuduuda oo dagaalka keenay, balse calaamadintan cusub ee ay sameeyeen waxa ku gacan saydhay Itoobiya taasoo laga yaabo inay sii murgiso xaaladda awalba qasnayd ee ka taagan degaankaas.
 

Top


Hogaamiyayaashii Dhowaan Ku Soo Biiray Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Kheyriyadda Burco.

Burco (Haatuf): Waxa maalintii shalay fagaaraha Khayriyada ee magaalada Burco kala hadlay dadweynaha mas’uuliyiin iyo xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE, oo ay ka mid yihiin Cabdi Aw Daahir oo hore u ahaa xoghayaha guud ee UDUB, Bashiir Cabdi Xariir oo hore u ahaa maayorka Oodweyne iyo Maxamed Cumar Nuur oo hore u ahaa wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha oo dhammaantood ka tirsanaa xisbiga UDUB, balse kusoo biiray dhowaan xisbiga KULMIYE. Waxa kaloo halkaa ka hadlay Siciid Cilmi Rooble, oo ah mudane ka tirsan Wakiilada Somaliland iyo mujaahid Maxamed Axmed Kaahin, kuwaasoo ah wefti sare oo ka tirsan KULMIYE, balse haatan ololaha doorashada u tegay magaalada Burco.

Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay sida uu kusoo waramay Axmed Aadan Yuusuf oo ka tirsan Haatuf, Maxamed Cumar Nuur oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen; “Xisbiga KULMIYE magaciisa ayaa kugu filan, macnaha laga fahamsan yahayna ma aha oo ururiye, berigii hore axsaabta waxa loo furan jiray in wax lagu doorto, marka la doortana lala tago Xamar, balse axsaabta maantu way ka duwan tahay kuwii berigaa. Xisbiga KULMIYE-na waxa loo aas-aasay inuu la jaan-qaado siyaasada dalka, waxaana ku dhan mujaahidiintii dalkan u soo halgantay oo ay musharixiin ka yihiin C/raxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Siilaanyo. Waa rag inaga saari kara halka dalku ku jiro,” ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in xukuumadda haatan dalka ka talisaa ay ka baaqsatay inay dalka ka saarto duruufta uu ku jiro, waxaanu yidhi; “Waad aragtaanoo xukuumadda dalka ka talisaa way dhawr iyo toban jirsatay, haddana waad aragteen Burco sida ay tahay, bari wixii kasii xigaana ka daran, caasimaddii dalka haraad ayaa loogu bakhtiyay, waxa keliya ee ay ku faantaa waa nabadgelyada, balse waxa keenay shacabka iyo Ilaahay, mahadi ha ka gaadhee.”

Kadib waxa uu ka hadlay KULMIYE, isagoo yidhi intaanan soo gelin xisbiga KULMIYE waxa ka mid ahaa dacaayadihii laga faafiyay KULMIYE; ‘Isaaqnimo ayuu wax ku doonayaa, iyo durbaankii halganka ayuu garaacayaa,’ isaaqnimadu maaha siyaasad ee waa hayb, nin walibana hayb ayuu leeyahay, halgankuse miyaanu jirin, SNM-na maaha wax dadka lagu boobo oo wax lagu xumeeyo, balse SNM iyadaa dalka xoraysay, iyadoo xor ahna Xukunka dhiibtay,” ayuu yidhi.

Kadib, waxaa isaguna halkaa ka hadlay mudane Siciid Cilmi Rooble, hadalladiisiina waxaa ka mid ahaa; “Ujeedadaydu maaha inaan xisbi galo midna ka baxo iyo inaan is jeclaysiiyo Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo ee waa xaaladda maanta dalku ku jiro, taasoo ah badbaado qaran, waana taanu Madaxweynaha isku af-garan weynay,” ayuu yidhi mudane Siciid.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Cabdi Aw Daahir oo sacab iyo sawaxan xoog leh lagu soo dhoweeyay, isagoo qoslaaya ayaanu yidhi; “In badan ayaan halkan ka odhan jiray UDUB ha guulaysto, laakiin marka hore waxaan doonayaa inaan isaga kiin waramo, anigu waxaan ahay xoghayihii guud ee UDUB, waxaanan ahaa afartii xubnood ee aas-aastay UDUB, waxaananu kala ahayn Alle haw naxariistee madaxweynihii geeriyooday, Axmed Yuusuf Ducaale, Maxamed Siciid Gees iyo aniga, balse waxa maanta UDUB ku hadhay Gees oo keliya. Aniga iyo Axmed Yuusuf waxaanu nahay KULMIYE, waxaanan UDUB ka baxay markaan arkay mawqifkii aanu wada qaadanay iyo ka Daahir Rayaale, gaar ahaana markaan arkay xaalada Itoobiya halkay marayso, xaaladda Sool iyo gobollada Bari iyo siyaasadeena Jabuuti, markaan arrimahaa wax badan isku geeyay anigoo aan cidna dhaliilayn ayaan gartay inaan Daahir Rayaale aanu dalka ka saari karin marxaladdan,” ayuu yidhi Cabdi Aw Daahir.

Kadib waxa uu ka hadlay KULMIYE iyo sida uu ugu soo biiray; “Markaan arkay xisbiga KULMIYE iyo hoggaamiyeyaashiisu inay dalka ka saari karana marxaladda uu ku jiro ayaan KULMIYE ku biiray, inkastoo aanaan Faysal wada shaqayn laakiin Daahir Rayaale iyo Siilaanyo waanu wada shaqaynay, labada ninba waa laba nin oo wanaagsan laakiin marka la eego aayaha dalka waa Siilaanyo,” ayuu yidhi.

Kadib waxaa mikrafoonka la wareegay mujaahid Maxamed Kaahin oo sheegay inuu hadalka ku raacsan yahay inta ay yidhaahdeen raggii ka horreeyay, waxaanu intaa ku daray in hoggaamiyeyaasha KULMIYE ay yihiin raggii dalka xoreeyay, isla markaana ay baal dahab ah kaga jiraan taariikhda, sidaa darteedna ay mudan yihiin in la doorto.
 

Top


Odayaal reer Hargeysa Ah Oo la Xidhxidhay Lana Siidaayay Xalay Fiidkii.

Hargeysa (Haatuf): Saddex Oday oo ka mid ah Odayaasha Deegaanka Waqooyiga Hargeysa, ayaa Xalay Fiidkii la sii daayay, kadib markii shalay subaxnimadii la xidhxidhay.

Saddexdaa oday waxay kala yihiin; Chief Caaqil; Cabdi Xaashi, Ismaaciil Axmed Sh. Cabdi iyo Axmed Cali Xays, waxaana la rumaysan yahay inuu xadhigoodu la xidhiidhay khilaaf dhinaca dhulka ah oo muddooyinkan dambe ka taagnaa Degaamada xeebta waqooyin ee gobolka Hargeysa, sida; Ceel-Sheekh, Ceel-la-helay iyo Bildhaalay, kuwaas oo Maamul ahaan la sheegay in la hoos geeyay Gobolka Awdal, halka ay xilliyadii hore ka tirsanaan jireen Gobolka Hargeysa.

Sida la tuhunsan yahay xadhigga odayaashan, waxa laga soo amray dhinaca Wasaarada Arrimaha Gudaha, hase yeeshee Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ismaaciil Aadan Cismaan oo aanu xalay caweysinkii la xidhiidhnay, ayaanu wax ka weydiinay xadhigga odayaashaa, wuxuuna sheegay in aanu isagu xadhigooda amrin, balse wuxuu intaa ku daray in ay Boolisku u xidheen sababo nabadgelyo awgeed, isla markaana Wasiirku wxuu xaqiijiyay in la soo daayay.
 

Top


Haweenka Somaliland Ah Oo Ka Hadlay Kaalintooda Siyaasadda.

Hargeysa (Haatuf) Guddiga ololaha Siyaasadda ee gaboodka negaad ayaa shalay kulan balaadhan oo ay ku qabteen hoteelka mingsing ee magaalada Hargeysa kaga hadlay doorka haweenka somaliland Siyaasadda iyo sidii ay haweenka kala taageersan xisbiyaddu uga wada shaqayn lahaayeen danaha guud ee haweenka.

Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen haween ka kala socday ururada haweenka ee hoos yimaada gaboodka negaad, haween ka socday xisbiyada mucaaridka ee KULMIYE iyo UCID iyo shugri Xaaji Boondaro oo ah haweenayda kaliya ee ku jirta Guddiga doorashooyinka. Arrimihii kulankaa lagaga hadlay waxa ka mid ahaa sidii ay haweenku kaalintooda uga qaadan lahaayeen nabadgelyada iyo inaanay taa waxba u dhimin xisbiyadda ay kala taageersan yihiin.

Waxa kale oo ay kaga doodeen sida ay xisbiyadda ugu ololaynayaan, iyo sidii aanay golayaasha deegaanka ugu soo bixin wax ka badan laba haween ah, iyaga oo taa ka duulaya waxay muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay saamigooda ka helaan kuraasta mudanayaasha Baarlamaanka marka la gaadho doorashada xubnaha golaha Baarlamaanka, waxa kale oo ay aad u muujiyeen sida ay xaaraanta u tahay in codka la bixiyo wax ka badan hal mar, iyo in la isticmaalo xine iyo waxyaabaha qarinaya calaamada doorashada.

Haweenkii halkaa ka hadlay waxa ka mid ah Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ah Guddiga Siyaasadda ee gaboodka negaad, Aamina Weris oo u hadashay haweenka xisbiga KULMIYE, Ismahaan cabdi Saleebaan oo ah gudoomiyaha gaboodka Negaad, Marwaan Farxaan oo ka socotay xisbiga UCID kuwaas oo dhamaantood ka waramay kaalinta ay haweenku ku leeyihiin doorashada. Iyo sida loogu baahan yahay inay kaalintooda uga qaataan. Waxaanay sheegeen haweenku in xisbiga UDUB oo ay dad ka casuumeen aanay cidi uga iman.
 

Top


Sixid.

Qormada cinwaankeedu ahaa (Waa tuma Dawladda Habooni) waxa jirey khalad ku jirey qodobka ka hadlayey dugsiyada sare ee magaalo madaxyada Dalka oo ay qornayd in loo baahanyahay 52 Fasal oo cusub oo lagu daro dugsiyada sare , balse waxay sax ku tahay 25 fasal.

Top


Sooyaalka Taariikheed ee Ciraaq Waxaa Qoray Siciid Ismaacil Guraase, Q: 2aad

Mandiqada u dhaxaysa labada webi ee Furaat iyo Dejla oo loo yaqaanay Mesopotamia waxay soo martey xadaaraddo iyo ilbaxnimooyin kala duwan oo ay hirgeliyeen dadka deegaankaa ku nooli, waxaanay ka mid tahay xadaaraddaha ugu caansan ee ugu horeeya xadaaradihii soo marey caalamka, taasoo marka taariikh ahaan dib loogu noqdo ku beegnayd 3700 sanadood ka hor dhalashadii nebi ciise C.S. Xadaaradaana waxa hirgeliyey dadka loo yaqaanay Soomariyiinta oo carab asal aahaan ka soo jeeda.

Dalka ciraaq carabta degani waxay asal ahaan ka soo jeedaan qabaa’il carab ah oo jasiiradda carabta ka hayaamay lix kun oo sanadood ka hor dhalashadii nebi Ciise.

Xadaaradda soomariyiintu waxa ay jirtey 3700-2350-kii C.H, xadaaraddaa oo ay hirgeliyeen dadka deegaanka degani waxa ay soomariyiintu hirgeliyeen xiliga farta ama qoraalka loo yaqaan Mismaariya oo ka mid ah qoraaladii ugu horeeyey caalamka.

Carabta dhulkaa degani waxa ay dhinacooda kaga qayb qaateen farshaxanka, beeraha, farsamada gacanta, samaynta dawooyinka iyo baayacmushtarka gudaha iyo dibadaba. Waxaanay aasaaseen dhawr magaalo oo aad u camirmay.

Ilbaxnimadaasi waxa ay saamayn ku yeelatay dadkii ku noolaa dalalka Iiraan, Masar iyo deegaanada ku xeeran dalka ciraaq. Soomariyiinta carbeed waxay dagaalo badan la galeen dadka loo yaqaanay ciilaamiyiinta oo ay ka adkaadeen iyadoo dawladii halkaa ka dhisnayd uu sii adkaaday awoodeedu ilaa ay dhulkaa qabsadeen Dawladii loo yaqaanay akdiya sanadkii 2350 CH.Dawladaasoo ay aasaaseen dadka loo yaqaanay Akaadiyiinta, waxay awoodeedii ku faafisay deegaano badan ilaa ay burburtey sanadkii 2200 C.H.

Intii u dhaxaysay sanadihii 2133-2003 waxa dib u soo noolaatay dawladdii Soomariyiinta oo ay iskaashadeen Akaadiyiinta, balse iyaduna waxay burburtey 2003 C.H, markaas oo ay xukunka qabsadeen dadka loo yaqaanay Ciilaamiyiin oo deegaan ahaan ka soo jeeda dalka Iiraan. Intii u dhaxaysay sanadihii 1894-1594 C.H. waxa dhulkaa ka talinaysay dawlad loo yaqaanay baabiliyiin. Balse waxa ay dhacday Dawladaasi sanadkii 1594-kii markii ay xukunka ka qaadeen dadka loo yaqaanay Akaashiyiinta oo iyagana xukunka laga qaaday 1153, markaas oo ay dhalatay dawladda loo yaqaanay Aashuuriya, oo xukunka haysay ilaa 612 C.H.

Sanadihii 625-539 waxa xukunka ku soo noqday baabiliyiinta taasoo loo yaqaanay Kilidaaniya.

539-321 C.H waxa dhulkaa ku soo duulay Faarisiyiinta oo qabsaday kana dhisay dawladda 321-141 C.H waxa dhalatay dawlad loo yaqaanay Saluuqiyuun.

141-kii C.H waxa xukunka la wareegay dadka loo yaqaano Persian-ka oo imika loo yaqaan Iiraan taasoo xukunka haysay ilaa 224 C.H.

224-337 C.D waxa xukunka haystay Saasaaniyuun oo asal ahaan ahayd Faarisiyiin.

Sanadkii 602 ayey Faarisiyiintu Ciraaq u magacaabeen maamule Faarisi ah taasoo xukunka haysay ilaa ay qabseen muslimiintu sanadkii 637-kii oo ku beegnayd sanadkii 14aad ee Hijradii nebiga CSW markii faarisiyiinta lagu jabiyey dagaalkii caanka ahaa ee ka dhacay goobta Qaadiisiya, iyadoo uu muslimiinta hogaaminayey asaxaabigii Sacad Binu Abii Waqaas.

Markaa waxa bilaabmay Cahdi cusub oo ah xukunkii muslimiinta iyo Faafitaankii Islaamka.

Qormooyinka soo socda ayaynu ku ogaan doonaa sidaa ay xaalada ciraaq noqotay kadib markii ay muslimiintu qabsadeen
La Soco...
 

Top


Jilba Dhiig

Biixi gabadhii xayaad juuqa way u soo odhan weyday isla markaana ay ka maqnayd muddo todobaado ka badan oo xaajo kasta si kasta oo ay balaadhan tahay lagu dhamayn macadalla waa dhawrka erey ee ay hooyadeed “Odhanayaan, ilayn waa tii tidhi “Hooyaday iyo ciddii kale ee aan talo mood ayaan la soo tashanayaa” sidaa awgeed wiilkii Biixi waxa galay shaki badan, naftiisuna su’aalo badan ayey isweydiisay, waxay ula ekaatey inay Xayaad xaajadiisii dhinac isaga tuurtey oo aanay qawlkiisii iyo wixii ay ku kala tageen waxba ka soo qaadin taasna inkasta oo uu Biixi nafta ayaamo yididiilo ku maaweeliyey haddana markale ayey naftiisu hamshi iyo walaac ku cawaysay, laakiin markale ayuu nafta dib u canaantey, wuxuuna isu abaabuley sidii uu arrinta markale uga hawl-geli lahaa, isaga oo xaajadda marba dhinac ka eegaya oo marba ay naftiisu horkeenaya.

Biixi maalin maalmaha ka mid ah wuxuu fadhiyey kaabadda hore ee dukaankiisa, isaga oo waxoogaa lacag ah qaab xisaab badaways ah isugu geegeeyey, dhinaca kalena hammiga jacaylku naftiisa lulayo, xiliga waxa uu ahaa goor casar gaab ah, Biixi waxa dukaankiisa dhinaciisa kaga soo dhacaysay laydh goos goos ah, iyadoo aanay cimiladu lahayn kulayl laga cawdo iyo qabaw nafta damqayaana aanu jirin, laakiin Biixi isaga oo weli kaabadii dukaankiisa fadhiya, balse ay cad-ceedii dhacday, dukaankana uu wiil yar oo gacan yare u ahi iibinayo ayuun buu Biixi sheeda ka halacsaday gabadh joogeedu dheeryahay dhar qurux leh lebisan oo hadaafaysa meel cabaar u jirta, xiligu markuu ahaa goor fiid cawl ah oo makhribkii dabadiis ah, laakiin dhinaca kalena waxa bari ka soo booday dayax shan iyo tobnaad ah oo ay hilaadiisu qiyaas nin joogiis ah dhulka sare uga kacay. Sidoo kale waxa habeenkaa dhinaca gubanka ama xeebta ka curtey roob is-balaadhiyey oo dhoolka daruureed sare u fidey, iyadoo dhinaca kalena dayaanka onkodka iyo kaaha hilaacu cirka isku shareereen, waxaana arladda saaqay saxansaxo udgoon iyo neeflow qabaw.

Gabadha uu Biixi sheeda ka arkay waa Xayaad way iska qarinaysaa oo waxay leedahay “Allaw yaan arkin”.

Dabadeedna Xayaad iyadoo Biixi ka gabanaysa ayey istaanka dukaanka Biixi u dhaw oo basaska laga raaco istaagtay si ay bas uga raacdo, laakiin Biixi markii uu hubsaday inay Xayaad tahay ayuu xageedii u soo talaabsaday isaga oo aad u dheeraynaya, wuuna soo gaadhay iyadoo weli taagan, wuxuuna ku yidhi “haye gacaliso, ma caafimaad qabtaa”, laakiin Xayaad si jilicsan oo aanay far-xad iyo qadarini ku dheehantahay ayey ugu jawaabtey “Waa nabad” wayna iska aamustey, laakiin Biixi ileyn waa nin ay meeli u caddahay waxba ka dhaadin dareenka Xayaad ee hadalkiisii ayuu iska sii watay, wuxuuna yidhi “Gacaliso, Xageed ka dhacday waan goobaye maxaad iigu soo war-celin wayday, ee aad iiga aamustey, miyaanu hadalkaygii qalbigaaga ku duxin, ta kale soonigii ballan isku ogayn ee aad tidhi iga war sug maxaa dhacay bal ii waran, maxaa dhacay!!?”

Hase yeeshee Xayaad intey wejiga kab ka dhigtey oo sanka iyo indhaha si ba’an ugu huruuftey ayey sidii ilmo caruur ah oo gurigoodii ka soo ambaday u tilmaantay dukaankiisii, waxayna si quudhsi leh ugu tidhi “Waar kaagan yari hadal aan kaa soconayn isku xiijine orod oo dabakaayadaada iska jiibso”. Dabadeedna intay ka mishiiqsatay ayey indhaha ka lalisay, isla markaana isaga oo Biixi waxa hadal ah u celin ayuu baskii isa soo taagay, wayna ku booday.

Biixi saacad in ka badan ayuu halkii taagnaa, wuxuuna ku dheygagay dhinicii uu uga dhaqaaqay baskii ay Xayaad raacdey, isaga oo aan ogayn ayuunbaa iska arkay isaga oo caweysin dambe meeshii taagan oo ay wiilasha yar yar ee kirish-bayada basasku marba ku leeyihiin “ma socotaa” ka dibna marka uu juuq u odhan waayo ayey basasku iskaga dhaqaaqaan.
La soco...
 

Top


Garta xeerbeegti.

Waxa jira erayo ama weedho loo isticmaalo garaha dhaqanka iyo xeerarka garaha qaadistooda loo cuskadaba, waxaana ka mid ah:-
i) Gar waa mawduuc laba dhinac ama laba qof oo is-haya (is-qabtay) lagu kala saaro.
ii) Garnaqsi waa doodda dhexmarta labada dhinac ama qof ee is-haya marka loo garnaqayo.
iii) Qadaf= Meel ka dhac
iv) Qabano= hanti
v) Qoomaal= Qoon ama qudh-gooyo
vi) ereyada qadaf iyo qabano waa dhaqan (adduun), qoomaal-na waa arrin dhiig la xidhiidha dhaawac iyo dhimasho midka ay doonto ha noqotee.
vii) Muduci:- waa ninka wax tirsanaya, ninkaasina marla la eego waxa la isku haysto wax u cadaada oo gari siisi mooyee wax la isku haysto marka hore waxba kuma laha, isla markaana marka garta la furo wax kasta isaga (muduciga ayaa bilowgeeda leh, haddii ay hadal tahay, haddii ay muddo qabsi tahay iyo haddii ay markaahti qaadis tahayba.
viii) Mudaacale:- Waa ninka wax loo sheeganayo ee is difaacaya, sidaa darteed-na sida uu xeerka dhaqanku dhigayo marka hore wax ku cadaado oo gari ka qaaddo mooyee waxba laguma laha, laakiin waxa mar walba jid loogu leeyahay inuu gar-yigil (gar-qaadasho) noqdo.
ix) Garley:- Garley haddii aad maqasho waa ninka wax loo sheegto ama loo qabsado, laakiin yidhaahda “Anigu garawshiiyo idiin-ma hayo ee wax igu soo caddaysta”.
x) Garawsiin:- Haddii aad maqasho garawsiin waxa weeye ninka marka wax loo qabsado yidhaahda “Waxaa lay haysto waan geystay ee xukuma”.
xi) Cinbasho:- Ereyga cinbasho haddii aad maqasho waxa uu la minco yahay baaqasho, taas oo marka ay gar la qaadi lahaa ama la gudo geli lahaa sabab ama arrin garta khusaysa u baaqato la yidhaahdo “Gartii waxaas iyo waxas ayey u cinbatay”, iyadoo ay waxa gartu u baaqatayna ay yihiin wax aan la’aanteed gartu dhamaanayn.
a. Millad:- Dhaar
b. Markhaati= marag
c. Qiraale= qirasho (wax aan la dafirin).
xii) Waa gacan:- ereyga ah (waa gacan) waxa loo isticmaalaa garaha, waxayna dhacdaa marka uu nin golaha garta ka hadlayaa uu wax kuu qiro ama kugu gefo, taas oo aad odhanayso “Waa gacan”, macnaheeduna yahay “waa wax ii soo kordhay”.
xiii) IGMad:- waa marka dhinac ama qof garamayaa uu yidhaahdo “hebel baa aniga ii hadlaya, taas-na waxa uu macnaheedu noqonayaa qof aad u dooratay inuu kuu hadlo (af-hayeen). Laakiin la igmaduhu waa inuu laba wax iska duwaa, labadaas shayna waxay yihiin: xigasho oo uu had iyo goor yidhaahdo ii islaama allaw hebel wuxuu leeyahay “ iyo inuu yidhaahdo “dhibaabena waa nin leh”. Qodobka hore waxa uu macnihiisu yahay inuu ninka la igmaday bilawgaba caddeeyo in waxa uu ka hadlayo aanu isagu lahayn ee uu yahay, wixii uu ninka garnaqsanayaa sheegay, sidoo kale aanu ninka la igmaday bilawgaba caddayn in wixii dhibaabe ah ee gartu leedahay ay u iilanayso ninka garta leh, haddii kale ilayn isaga ayey fuulaysaaye. Dhibaabuhu waxa weeye, dhaarta, markhaati oogista, kharashka iwm.
xiv) Mudaysi:- waa maalinta loo balamayo guda-galka garta, ha noqoto maalinta ergada dhex-dhexaadintu soo warabuuxayso, ha noqoto maalinta gartu dhacayso ama ha noqoto maalinta la isu soo dhiila dhaansanayo, (la isu soo diyaar garoobayo).

La soco cadadka dambe
 

Top


Waxaan Doonayaa In Dawladda Reer Miyiga Xil layga magacaabo.

Ku: musharaxa madaxweynaha reer miyiga mudane A.A.Garas
Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah waxaan ka mabsuuday barnaamijkii wax qab ee aad soo qortey, waxaanan ka markhaati kacay in reer miyigu cidna u maqnayn ceelna u qodnayn, markaa aniga oo ah nin dhalinyaro ah hayana xoog fadiilo ah oo aan dalkayga wax ugu qaban karo, waxaan mudane jeclaan lahaa in aad igu darto golahaaga gedyaqaan ah, walibana waxaan jeclaan lahaa in la ii magacaabo wasiirka arrimaha gudaha iyo dhirta dhaqanka iyo dhagaxa, sababta oo ah waxaan iskay u bartey oo aqaannaa ilaa 75 geed oo khudrad ah oo dalkeenu ka baxa kuwaas oo aan imika cidina wax ku falin, waxaan rajaynayaa aan si wacan kuugula shaqeeyo.

Nooli kulanteen.

C/fataax Cali Samatar.

Top


Xisbiga Kulmiye Iyo Ololihiisa Xaamiga Ah.

Xisbiga Kulmiye Iyo Ololihiisa Xaamiga Ah.

Abaarso (Haatuf) wefti balaadhan oo ka socda xisbiga KULMIYE oo uu horkacayo xoghayaha guud ee xisbigaasi Daa’uud Maxamed Geelle, isla markaana ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha gobolka ee xisbiga KULMIYE Cismaan C/laahi Cigaal iyo Fatxa Cali oo ah gudoomiye ku xigeenka garabka haweenka ee xisbiga KULMIYE ayaa maalintii shalay booqday Abaarso oo dhinaca Galbeed ka xigta Hargeysa.

Masuuliyiinta ka tirsan KULMIYE oo si weyn loogu soo dhaweeyey Abaarso waxa ay dadweynaha u jeediyeen khudbado kala duwan oo ay ku boorinayeen inay u codeeyaan xisbiga KULMIYE, iyo musharaxiisa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Daa’uud Maxamed Geelle oo la hadlayey dadka reer Abaarso waxa uu uga waramay barnaamijka xisbiga KULMIYE iyo wax qabadka xisbigooda haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtinimada.

Isaga oo dadka uga mahad naqay sidii diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa, isaga oo intaa ku daray inay dadku doortaan kuwii dulmiga ka riday, wuxuuna sheegay inay dadku ogaadaan in ay codkooda ku hubsadaan meeshii ku haboon oo aanay halkii hore uun joogin. Islamarkaana ay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE. Intaa ka dibna xisbiga KULMIYE waxay ugu deeqeen booyado biyo ah deegaanka Abaarso oo ay ka jirtey biyo la'aani. Iyada oo ay halkaa ka hadleen masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE. Iyada oo ay doraadna xisbiga KULMIYE xafiisyo ka furteen degmooyin ka tirsan caasimada Hargeysa.

Furitaanka xafiisyadan oo ay ka qayb qaateen dadweyne aad u fara badan oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa hadalo ka jeediyey masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu ka mid yahay Cismaan C/laahi Cigaal gudoomiyaha gobolka ee xisbiga KULMIYE, isaga oo ku booriyey inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE.

Dhinaca kale xisbiga KULMIYE ayaa maalintii shalay 100 foosto oo biyo ah ugu deeqay xaafadda Cabdi Iidaan oo ay maalmahanba biyo la’aani ka jirtey.

Wararka ka imanaya magaalada Berbera ayaa iyaguna sheegay in 40 xubnood oo ka tirsanaa ururo dhalinyaro oo ah ka mid ahaa ururadii SAHAN, ASAD iyo HORMOOD ay ku biireen xisbiga KULMIYE, dhalinyaradaasi waxa ay sheegeen inay muddo indho indhayeen xisbigii ay ku biiri lahaayeen haatana ay ku qanceen in xisbiga KULMIYE yahay xisbiga dalka gaadhsiin kara horumar sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Saaxil C/Raxmaan Casaan waxa ay tani xoojinaysaa taageerada balaadhan ee uu xisbiga KULMIYE ku leeyahay Saaxil, dhalinyaradaas oo xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay xarunta dhexe ee xafiiska KULMIYE.
 

Top


WAADIGA CIYAARAHA.

WAADIGA CIYAARAHA.

Ciyaartii Arbacadii Ee England Iyo Turkey oo 95 qof oo Ingiriis ah loo xidhay.

Waxay quraarado ku shiidayeen booliska Ingiriiska iyo basaska turkiga taageerayaashiisu saaran yihiin garoonka hortiisa.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa u sheegay bbc-da in booliska dalka Ingiriisku ayaa ciyaarta ka hor ku xidhay 95 qof garoonka Sunderland hortiisa markii ay quraarado ku shiideen taageerayaasha turkiga oo galaya garoonka jajabiyeyna laydhkii ka baxayey garoonka hortiisa, haddaba warbixin ay siisay gabadh u hadashay booliska Sunderland oo la yidhaa Sue Nicholson ayaa sheegtay in rabashadaha taageerayaasha Ingiriisku sameeyeen ay dhaawacyo ku soo gaadheen 3 qof iyo laba sarkaal oo boolis ah iyadoo sheegtay inay ayaamihii u dambaysay 35 qof oo ahaa taageerayaasha Newcastle iyo Sunderland iyo Leeds.

Dhinaca kale booliska England qaybtiisa la yidhaa (North Umbia) sarkaal ka tirsan oo la yidhaa Jim Campeel ayaa sheegay in boolis ahaan ay u sii diyaar garoobeen markii ay ogaayeen edeb darrada taageerayaasha Ingiriiska gaar ahaana taageerayaasha naadiga Leeds United oo doonaysay inya kaga aargoostaan taageerayaasha dalka Turkiga labadii qof ee kaga dhintay Istanbuul sanadkii 2000 iyaga oo la ciyaarayey naadiga Galatasaray “Anaga oo haddaba ciyaarta muhiimad dheeraada siinayna ayaa waxaa garoonkaas ka shaqaynayey oo aanu xil saarnay (1000 askari) iyadoo waliba aanu ilaalinaynay gaar ahaan 4500 (afar kun iyo shan boqol) oo taageerayaasha Turkiga ah, waxaanu magaalada dhexdeeda ka qaqabanay taageerayaal Leeds United ah oo meel isugu soo ururay si ay rabshado u sameeyaan, haddaba taageerayaasha Turkiga oo aan marnaba isku dayin inay rabshado sameeyaan ayaanu si nabad u kaxaynay, markii ciyaartii dhamaatay oo guryahoodii ku gaynay” ayuu yidhi Cambell waxa kale oo uu intaa sii raaciyey Cambell “Waxaanu sabab uga dhignay oo aanu ku aaminay rabshadaha ay wadaan dadka reer Newcastle iyo Sunderland markaanu aragnay dadka reer Gremlins iyo Seaburn-Casuals” (waa qabiilooyin) oo qorshaynaya rabshado iyo dagaalo qaqabanay.

Haddaba mr. Cambell wuxuu hadalkii ku soo gebagebeeyey waxa iyaduna wax weyn ka tartay guusha Ingiriiska 2-0 kaga badisay Turkiga ee rabshaduhu intan way ka sii badnaan lahaayeen. Haddii Turkigu guulaysan lahaa.

Dhinaca kale warar ay sheegeen TV-yada ayaa tibaaxay in ciyaaryahanada Ingiriiska iyo tababarayaashooduba waxyeelo iyo aflagaado gaadhsiiyeen ciyaaryahanada Turkiga, gaar ahaana ninka difaaca uga ciyaara difaaca turkiga ee la yidhaahdo Alpay Ozalan, haddaba mar uu tababaraha Ingiriiska Mr Sven-Goran Erikson arrintan ka hadlayey wuxuu yidhi “waxba maanaan samaynin shuqul-na kuma lihin, waxaan anigu ogahayna ma jirto (dhinaca tababarayaasha) mana ogi wax ciyaaryahanadu sameeyeen, laakiin waxaan u malaynayaa inay ahayduun wixii ciyaaraha kubbadda cagta dhici jirey markay laba kooxood wada ciyaarayaan, anaguna waxaanu ahaynba qolada guulaysanaysa mana ahayn inaanu xanaaqno. Ciyaartana waxay ahayd ciyaar adag oo xiise leh oo labadayadu aanu doonayno inaanu badino”.

Hadaba guruub 7 oo turkigu ku hogaaminayey sagaal dhibcood ayaa markii Ingiriisku laba iyo eber kaga badiyey ayaa Ingiriisku hal dhibic ku hogaaminayaa, oo uu imika leeyahay toban dhibcood.

Ciyaaryahanka reer Aston Villa Mr. Darius Vassel oo haafkii dambe daqiiqadii 58-aad bedelay Micheal Owen ayaa daqiiqadii 76aad kubad shuud ah oo soo tufay goolwadaha turkigu Mr. Rustu Recber ku laaday laad toosan oo uu daba mariyey goolwadaha Turkiga halkaana ku keenay goolkii koowaad ee ay dhaliso kooxda Ingiriisku. Waxa isaguna daqiiqadii 91aad u dhaliyey rigoore kooxda Ingiriiska Mr. David Beckham, halkaas oo ay kaga adkaatay kooxda Ingiriisku kooxda Turkigu 2-0.

Inta u safatay labada kooxood ciyaartii Arbacadii England -- David James, Gary Neville, Sol Campbell, Rio Ferdinand, Wayne Bridge, David Beckham, Paul Scholes, Steven Gerrard, Nicky Butt, Michael Owen (sub: Darius Vassell 58th), Wayne Rooney (Kieron Dyer 89th).

Turkey -- Rustu Recber, Fatih Akyel (Hakan Sukur 80th), Alpay Ozalan, Bulent Korkmaz, Ergun Penbe, Okan Buruk (Umit Davala 59th), Yildiray Basturk (Hasan Sas 70th), Tugay Kerimoglu, Asik Emre, Nihat Kahveci, Ilhan Mansiz.
 

Top