Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 307 April 10, 2003

Dawlada Somaliland Qaylo-Dhaan Ka Soo Saartay Xaaladda Abaaraha.

Loollanka xisbiyada KULMIYE, UCID iyo UDUB ee Boorama.

Ururka SSJW Oo Cambaareeyay Suxufiyiinta Lagu Laayay Baqdaad.

“Faqriga Ugu Weyn Ee Haysta Somaliland Waa Hogaan-Xumo,” Shir-Jaraa’id, Cali Guuleed (Cali Maarshaal).

IRMAANTA SUUGAANTA, Barkhad Cas Iyo Gabadhii Maandiriin.

Ciidamada Ciraaqiyiinta Iyo Kuwo Maraykanka Oo Dagaal Qadhaadhi Ku Dhexmarayo Magaalada Baqdaad.

“Anigu Ma Samaynayo Sicir-Barar Iyo Wasiir-Barar, Dalkana Lacag Ku Butaacin Maayo", Axmad Siilaanyo oo ka hadlayay kheyriyadda Burco.

Saddex Suxufi Oo ku Dhintay Baqdaad Weeraro Ay Maraykanku La Beegsadeen Xarumo Warbaahineed.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo kala Hadlay Dadka Reer Ceerigaabo.

Saddex Suxufi oo ku dhintay Baqdaad.

Xisbiga KULMIYE Oo Xafiisyo Ka Furtay Gobolka Hargeysa.

Ururka NEGAAD

Shoolada ma ugu dhaceen Guddiga doorashooyinku hawshoodii, Qore: Raaqiya Cabdillaahi Oomaar.

“Fursad Qaaliya Weeyi Doorashadu, Taariikh Baana Is Qoraysa”,
Bayaan, Somaliland Forum.

Garta Xeer-Beegti. Garta Dhaqanka.

Jilba-Dhiig.

 


 


 


Dawlada Somaliland Qaylo-Dhaan Ka Soo Saartay Xaaladda Abaaraha.

Hargeysa (Haatuf) Xukuumadda Somaliland ayaa shalay dhawaaq ka soo saartay xaaladda abaaraha ee ka taagan Somaliland waxayna hay’adaha samafalka caalamiga ah iyo wadamada deeqda bixiya ugu baaqeen inay caawimo deg deg ah la soo gaadhaan dadka iyo xoolaha ay noloshoodu khatarta ku sugantahay, iyada oo ay degaamada miyiga Somaliland ka taagantahay xaalad halis ah oo biyo la’aan iyo xaaluf ah.

Wasiirka horumarinta reer miyiga, Maxamed Muuse Cawaale, isla markaana madax ka ah guddi lagu magacaabo guddiga ka hortaga aafooyinka ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga dhawaaqay qaylo dhaanta abaaraha, isaga oo sharax ka bixiyey inta ay baaxad leegtahay dhibaatada abaartu, isaga oo tilmaamay inay tahay tii ugu cuslayd ee sanadahan dambe soo marta Somaliland, isla markaana ay abaartu ka taagantahay dhamaan lixda gobol ee Somaliland, hase yeeshee waxa uu wasiirku sheegay inay dhibaatadda biyo la’aanta iyo xaalufka jira ugu wacantahay roobabka oo yaraa afartii sanadood ee u dambeeyey laga soo bilaabo 2000-2003, iyada oo uu sheegay in laba iyo tobanka bilood ee sanadka ay sagaal bilood roob la’aan noqdeen, waxayna roob la’aantaasi keentay inay gudhaan baliyadii baraagihii iyo ceelashii ay dadka iyo xooluhu ka cabi jireen, sidoo kale waxay dhibaatadda roob la’aantu keentay xaaluf ba’an oo saameeyey deegaamada miyiga, waxaana hadda ka taagan deegaamada miyiga xaaluf iyo biyo la’aan, taas oo laga baqayo macaluul saamaysa dadka iyo xoolaha, iyada oo ay dhinaca kalena abaaruhu saameeyeen, beeristii dhul beereedka.

Dhibaatadani waxay guud ahaan saamaysay guud ahaan dadka reer Somaliland gaar ahaana dadka jilicsan, iyada oo ay intaa sii dheertahay dhibaatadda dhaqaale ee ka dhalatay xayiraada ganacsiga xoolaha Somaliland, taas oo ay iib-xumada xooluhu keentay macaluul iyo dhibaato adag oo nololeed, ka dib markii ay dadku awoodi kari waayeen inay iibsadaan waxyaalaha quutal-daruuriga ah.

Xaaladani waxay keentay inay dad badan oo miyiga ka imanayaa ku soo qul-qulaan tuulooyinka iyo magaalooyinka Somaliland oo awalba la ciir-ciirayey dadka reer Somaliland ee ka soo gurya-noqonaya xeryaha qaxootiyada bariga Itoobiya, iyo dad kale oo iyaguna ka soo bara kacay dhinaca Soomaaliya.

Top


Loollanka xisbiyada KULMIYE, UCID iyo UDUB ee Boorama.

Boorama (Haatuf): Wefti uu hogaaminayo musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga KULMIYE, C/raxmaan Aw Cali Faarax oo ay weheliyaan wakiillada degmooyinka iyo gobolka Awdal ee Xisbiga KULMIYE, ayaa shalay iyagoo ololahooda sii wata u anbabaxay degmooyinka Baki, Lughaya, Saylac iyo deegaamada ku dhow, waxayna dadka deegaamadaa uga waramayaan barnaamijka xisbigooda iyo sida ay taageero ugu raadinayaan.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, waxa magaalada Boorama ka bilaabay ololihiisa xisbiga UCID, iyadoo uu musharaxa Madaxweyne Ku-xigeenka ee xisbiga Axmed Cabdi Siciid oo khudbad uu fagaaraha khayriyadda uga jeediyay dadka reer Boorama kaga waramay Barnaamijka iyo Siyaasadda Xisbigooda ku hogaamin doono dalka, haddii ay ku guuleystaan doorashada.

Dhinaca kale, waxa magaalada Boorama ku sugan dhawr xubnood oo wasiiro ka ah xukuumadda, isla markaana wasiiradaa oo ka tirsan Xisbiga UDUB, sida uu weriyaha Haatuf ee gobolku sheegay ma kala cadda in sababta ay u yimaadeen tahay ololaha Xisbiga UDUB iyo in kale, iyagoon ilaa hadda wax dhaqdhaqaaqa oo ku saabsan ololaha doorashada ee UDUB ka samayn gobolka. Wasiiradan oo ka soo jeeda deegaanka gobolka Awdal, ayaan ilaa hadda meel fagaare ah kala hadlin dadka reer Boorama.

  Top


Ururka SSJW Oo Cambaareeyay Suxufiyiinta Lagu Laayay Baqdaad.

Hargeysa (Haatuf): Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxa-bannaan ee Somaliland (SSJW), ayaa si kulul u cambaareeyay Suxufiyiinta si badheedhka ah ay ciidamada Maraykanku ugu laayeen magaalada Baqdaad.

War-saxaafadeed uu saaray xalay Gudoomiyaha ururkaasi, Axmed Cali Garas, waxa uu ku tilmaamay dilka suxufiyiintaas mid xad-gudub weyn ku ah qawaaniinta caalamiga ah iyo saxaafadeed, iyagoo suxufiyiinta dhintay gudanayeen waajibaadka ka saaran soo gudbinta macluumaad iyo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalka Ciraaq ee uu dagaalku ka socdo.

War-saxaafadeedkaas, waxa si gaar ah loogu cambaareeyay dilka Weriyaha Al-Jazeera, Daariq Ayuub oo si gaar ah uu Maraykanku u beegsaday, ulana badheedhay dilkaas, iyadoo Al-Jazeera ay si firfircoon oo aan gabasho lahayn uga soo waramaysay dagaalada ka socda Ciraaq, taas oo aan raaligelin Maraykanka oo u muuqda in aanu jeclaysan sida ay Al-Jazeera xaqiiqada u soo tebinaysay.

War-saxaafadeedku, waxa kale oo uu sheegay in ururka SSJW uu tacsi u diray telefiishanka Al-Jazeera oo uu ka tacsiyadeeyay geeridaa ku timid weriyahooda, sidoo kalena waxa uu tacsi taa la mid ah u dirayaa guud ahaanba suxufiyiinta Caalamka oo ay maalintii shalay u ahayd maalin madow.

Gebagebadii, waxa uu ururku ku baaqay in baadhitaan rasmi ah laga sameeyo sababta keentay dilkan badheedhka ah, iyo in sharciga lala tiigsado cidii ay ku cadaato falkan waxashnimada ahi.

Dhinaca kale, waxa tacsi iyo cambaarayn taa la mid ah diraya dhammaan hawl-wadeenada Shabakadda Wararka ee Haatuf (Haatuf Media Network) ee soo saarta wargeysyada Haatuf, Al-Haatuf Al-Carabi iyo Somaliland Times.

Top


“Faqriga Ugu Weyn Ee Haysta Somaliland Waa Hogaan-Xumo,” Shir-Jaraa’id, Cali Guuleed (Cali Maarshaal).

Hargeysa (Haatuf) “Maanta doorasho aya ina sugaysa, masiirkeenuna wuxuu ku xidhan yahay halka aad codkiina dhigtaan” sidaa waxa yidhi Cali Guuleed (Cali Maarshaal) oo xubin ka ah ururka Somaliland Forum, wuxuuna Cali degan yahay dalka Maraykanka.

Cali wuxuu shalay shir jaraa’id ku qabtay Hoteleelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, wuxuuna shirkiisa jaraa’id kaga hadlay marxaladda siyaasadeed ee Somaliland ay hadda marayso iyo tartanka doorashada madaxtinimada, isaga oo si weyn u dhaliilay xukuumadda talada haysa, laakiin Cali waxa uu si weyn u weeraray xisbiga UDUB ee uu musharaxiinta ka yihiin madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, isla markaana Cali Maarshaal waxa uu amaan badan ka bixiyey xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamay inay madaxdiisu yihiin kuwa dalka ka saari kara marxaladdan, sidaa darteed Cali waxa uu u muuqday nin u ololaynaya xisbiga KULMIYE marka la eego nasteexo badan ee uu u muujiyey KULMIYE iyo sida ba’an ee uu u weeraray xisbiga UDUB. Cali waxa uu hogaanka talada haya ku tilmaamay niman aan hanan karin hogaaminta dalka isaga oo ragga xukuumada ku jira, ku tilmaamay saddex qaybood oo uu yidhi “dadka talada haya iyo inta la talisaa waa in dawladdii Siyaad Barre ahayd ama Xamar ku soo hungawday ama in Ingiriiska qaad wale ka soo ahayd.”

Cali markii uu jeedinayey dhaliilaha madaxda dawladda waxa uu carabka ku dhuftay xubno ka tirsan golaha wasiiradda oo ay ka mid yihiin wasiirka daakhiliga, iyo wasiirka warshadaha “Ismaaciil yare iyo Daaniye) “Dadka xukunka inoo hayaa waxaa ka mid ah Daaniye, Ismaaciil Yare iyo Madaxweyne Rayaale” ayuu yidhi, isaga oo madaxweyne ku xigeenkana ku tilmaamay nin aan dawlad waxba ka garanayn wuxuuna yidhi “Maaha inaynu raggaa doorano.”

Cali isaga oo ka hadlaya xukuumadda maanta jirta wuxuu yidhi “Golaha wasiiradda waxay maanta marayaan 60 xubnood, waxay la mid tahay dawladdii Cali Mahdi ee 80-ka wasiir ahayd. Somaliand-na taa ma qaadi karto, laakiin Cali dhibaatooyinka siyaasadeed ama maamul ee Somaliland waxa uu ku tilmaamay inay ka dhasheen hogaan xumo, isaga oo yidhi “Faqriga ugu weyn ee Somaliland haystaa waa hogaan xumo”.

Wuxuuna wax ka taataabtay duruufaha maamul iyo siyaasadeed ee wakhtigan Somaliland ka jira, isaga oo tusaale u soo qaatay xaaladda ka jirta bariga Somaliland iyo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya “Waxa nasiib darro ah in la xalaashaday xoolihii dawladda” ayuu yidhi Cali Maarshaal wuxuuna intaa ku daray “maanta doorasho ayeynu galaynaa wuxuuna masiirkeenu ku xidhanyahay halka aad codkiina dhigtaan.”

Ugu dambayn Cali waxa uu sheegay inuu isagu taageersan yahay xisbiga KULMIYE, uuna ku talinayo in la doorto ragga ka sharaxan oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa maanta dalcadda inaga saari karaya.

Top


IRMAANTA SUUGAANTA, Barkhad Cas Iyo Gabadhii Maandiriin

Biixi Suufi isaga oo ka sheekaynaya gabadha Maandariin iyo abwaanka waxa uu ku bilaabay: "Gabadhan uu isagu ku magacaabay Maandariin (waa liinta cas ee macaane) waxay ahayd gabadh u dhalatay reer Somaliland waxaanay ka shaqayn jirtay bakhaar uu nin Carbeed lahaa oo beeyada lagu hufi jiray kuna yaallay magaalada Cadan weyn abwaanku wuxuu gabadha la jeclaaday in uu guursado wiil kufkeeda oo ka furta shaqadan culus ee hufida beeyada iwm.

Sideedaba dhallinyartii waagaa jiray waxa guud ahaan caado iyo dhaqan
wanaag u ahaa in ay gabdhaha amaanaan caydooduna way ka reebanayd sidaa awgeed Barkhad Cas gabadhaa wuxuu u curiyay maanso amaan ah oo uu ku shaaciyay Cadan iyo magaalooyinka kulaalaya ee Khaliijka Waxaanu yidhi:-
“ Cadkaagaa waan jeclaa inaan calfadee
cidaadaydiibay cuslaynaysee
Cabdoo nin noqdiyo carruur mooyee
Hadaanu Cadan joogin wiil ku ceshaa
danbaa Carabtiyo cidlada ku badayoo
cid iyo ciirsi toona kuuma hayee
ka cawlow bakhaarka ciida leh.”

"Cuudiga lashitee carfiga badan lihi
Cariguu ka baxiyo beriga Carabtaba
Ciidaa kaga badan caynkaa xaabadee
ninkii caarifaa cidlada ka gurtee
cabdoo nin noqdiyo carruur mooyee
hadaanu Cadan joogin wiil ku ceshaa
danbaa Carabtiyo cidlada ku badaye
ka cawlow bakhaarka ciida leh.

Reer Cadmeed ma yaqaano wixii carfiloo
Canbarkii garan waaye u soo caarye
Ruuxii cisi leba isagaa caawiyee
Cabdoo naasirbaan cid kuugu diroo
tan iyo ciida dhow cidbaan sugayaa
ka cawlow bakhaarka ciida leh.

Jiilaalkoo cadaaday camalkii
cuudkoo laga waayay caanaha
markuu cirku hoorabaa lacabaa
caleenta dhirtee carfiga badanlee
shinbiruu ka ciyaan cas waaberi iyo
cagaarka soo baxay la caynad tahee
cadkii ilko loo hayaa la cunaa
cid iyo ciirsi toona kuuma hayee
cutuubay ha u jabin cadaawaha
oo ka cawlow bakhaarka ciida leh.

Mar aanu marxuumka ka codsanay in uu gabadha noo sifeeyo wuxuu yidhi:

“Hilibka midabkiyo hanaan socodkiyo
habka ay maryahiyo hubka u qaadatiyo
wejigaan haybadiisa lahayn karain
iyo horaadada haatan soo baxayiyo
haddii ayqoslayso dhoolahaad hangatiyo
horjoogeeda waw hamuunsanahee
huqdeeda qalbigaan hurdada bogan
iyo haytaaban halkay igaga taal.

Intuu hantideeni cadaw haystee
Hargeysiyo hawdba maqan yahay
Ragaasi halgan iyo hawlbuu ku jiraa
halkana iima muuqdo wiil ku hantaa
haweenka xulkoodi waan ku hubaa
nin hoodo lebaa nasiib ku helee
Biixiyow hagardaamo halis weeyee
huqdeeda qalbigaan hurdada bogan
iyo hay taaban halkay igaga taal.”

Mar kale ayuu Abwaanku inanta sifeeye, wuxuuna yidhi:

“Madheera oo gaabni way dhaaftoo
ma dhuubnoo baruurtu may dhicinoo
dhexdeeda taakadaa is dhaafaysoo
dhawaaqa hadalkeedu kuma dhibo
dhalaalka midabkeeda dhaayaha
midaan u dhigoon ku dherershaa
may dhalan dhabarkana laguma sido.”

Abwaanku Mar uu ku calaacalayey in gabadhan Cadan laga kaxeeyo intaan la xumayn wuxuu yidhi:

“Intaanay mayrac barin mid soo mirataa
intaanay mooda baran macdaarada
maqaar baaniyaal intaan loo marmarin
masbow fadhiyoo hablihii madhiyaye
intaanay ka jabin mataanaha
maandariin yaa ka dhoofsha magaalada.”

Guurkii Maandariin iyo siduu u dhacay. Biixi Suufi isaga oo markana ka hadlaya guurkii Mandariin waxa uu ku bilaabay ereyadiisa sidan:

"Amaantii maandariin
ayaa meel walba ka dhacday gaar ahaan Khaliijka Carabta markaas buu Cadan yimid nin waagii hore reer Cadmeed ahaan jiray halkaas baanu ku guursaday kuna kaxaystay gabadhii Maandariin.

Muddo gaaban ka dib ayuu Barkhad Cas gabadhii ka waayay bakhaarkii ay ka shaqayn jirtay oo uu maalin dhaaf ku soo booqan jiray, markaas buu curiyey maansadan soo socota ee baafinta ah, waxaanu yidhi:

“Bidhaanteeda waan u boholyooboo
beryahan arageeda kama boganoo
bakhaarkii ka waayay beeyada e
baadida lama oga barbar ay u kacdaye
bilaysku waxbay badbaadshaane
bal Biixow dhanka Sheekh ka soo baadh.

Nin kale oo bulayska ahaa oo isagana uu diray wuxuu ku yidhi:

“Maxamed Caliyow ku magansadaye (Maxamed Cali Naahi )
haddii maal la xado adigaa soo maqloo
malkada taarakshaan adigaa marmaree
meel ay jirto maanta garan maayoo
minankay joogtay way ka maqantahaye
intaanay ka jabin mataanaha
intaan la magaabin madhatada
Maandariin meelahaa ka soo baadh.

Malaa dalkan way ka maqantahaye
Macruufkiyo Carabta reer Macalow
Muslinow Maandariin ma aragteen.”

Biixi Suufi isaga oo taariikhdii abwaanka ee magaalada Cadan ka waramaya waxa uu yidhi: “Ka dib markii uu halgankii ay reer Somaliland kula jireen isticmaarkii Ingiriiska uu gaadhay marxalad adag Marxuumku wuxuu ahaa raggii yaraa ee reer Cadmeedka kicin jiray in ay ka qayb galaan halganka lagu jiro waxaanu ka mid ahaa raggii waqtigaa soo dhoofay ee ku biiray halganka waxaanu curiyay maansadii uu reer cadmeedka ku kicinayay ee uu ku yidhi:

"Diintiiyo masjidkiiba waysku dilee
halkay diircas joogto aan ka durkoo
dib yaanay dhegahaygu daar u maqline
duufaan hadhacoo bil yaan ka degine
dusheedu marna iiga dari maysee
doonidii baashucayb kac ila doon.”

Mar aanu Abwaanka su'aalay xanuun ishiisa nooga muuqday wuxuu noogu jawaabay sidan:

"Deeqdiisa Ilaahay iima daroo
dul iyo hoosba wuu I daajinayaa
darxumo ima helin xanuun i damqaa
daalkiyo Biixiyow dibnaha i qalalay
dabaysha i qaaday waa dal tabyee
roobkoo da'ay dooga soo baxay iyo
dooxii herer ruuxa waa u dawee
duufaan ha dhacoo bil yaan ka degine
dusheedu marna iiga dari maysee
dagaalka gobanimada aan ku darmee
doonidii baashucayb kac ila doon.”

Sidaas buu ku soo dhoofay oo aanu tikidhkii diyaaradda ugu soo jaray. Taariikhdii marxuumka ee wakhtigii uu Hargeysa ku soo laabtay isaga oo Biixi ka hadlayana waxa uu yidhi:

Markuu madaarka Hargeysa ka soo degayba wuxuu ku bilaabay weedhan:

Ayuu guulahay gargaaraayoo, ayaa garanaaya, gobanimadoo, ayala gembiya gumaysiga. Abwaanku wuxuu markiiba ku biiray halgankii gobanimo doonka ee uu hoggaaminayay xisbigii SNL. Haddaba, sida weli la sii xusuusan yahay waxa waagaa dalka Somaliland gaar ahaan Hargeysa ka soo bixi jiray 3 wargeys oo la kala odhan jiray magacyada hoos ku xusan:

Wargeyska Liwa oo ku hadli jiray afka Xisbiga NUF.Wargeyska Qaran oo ku hadli jiray afka xisbiga SNL. War Somali side oo ku hadli jiray afka xukuumadda gaar ahaan codka Raadyow Hargeysa. Marxuumkuna wuxuu isku tilmaamay in uu yahay wargeyskii afraad oo maalin walba dalka ka soo baxa oo aan cidna laga iibinayn ee bilaasha, isaga oo arrintaa maanso ku sheegayana wuxuu yidhi:

“Liwiyo, qaran iyo akhbaar sida
-waxaan ahay tii afraynaysoo aayaha waddankaa la ii igmadoo
-malaha ii akhri iyo afgaranwaa
-iib maahoo aduunyo kaama rabee
-Albaabadu way u furanyiin.”

Marxuumka Ilaahay ha u naxariistee wuxuu habeen iyo maalinba waajib iskaga dhigay wacyi-gelinta dadweynaha ilaa uu waqtigu soo gaadhay markii uu dalka booqashada ku imanayay Duk Golostar oo ahaa boqorrada Ingiriiska adeerkeed, iyada oo la sheegay in uu dalka soo gelaayo 28/5/59ka ayuu intii xilligaa ka horraysay dadka ku sii kiciyay si ay ugu muujiyaan nacaybka ay dowladda Ingiriiska u qabaan waxaanu yidhi:

“Awawgay ninkii adoonsaday
ninkii aabahay indhaha tiray
ninkii anigana i iibsaday
hadaan arkayoonan ka aarsan karayn
hadaanan Aadanow unuunka jarayn
aan ooyee albaabka ii xidha.”

Top


Ciidamada Ciraaqiyiinta Iyo Kuwo Maraykanka Oo Dagaal Qadhaadhi Ku Dhexmarayo Magaalada Baqdaad.

Baqdaad (W. Wararka): Dagaalo qadhaadh oo dhexmaraya ciidamada Maraykanka iyo kuwa Ciraaqiyiinta, ayaa labadii cisho ee ugu dambeeyay ka socda daafaha magaalada Baqdaad, iyadoo warar is khilaafsani ay ka imanayaan ilaa inta ay dagaalada fiditaankoodu gaadhsiisan yahay magaalada Baqdaad.

Ciidamada Maraykanka, ayaa sheeganaya in ay haatan ku sii siqayaan dhinaca badhtamaha magaalada, isla markaana ay gacanta ku dhigeen goobo badan oo muhiim ah, balse wax war ah oo xaqiijinaya arrintaas ilaa iyo hadda lama hayo, laakiin waxa la xaqiijiyay duqayn culus oo cirka iyo dhulkaba leh oo ciidamada Maraykanku maalintii shalay la beegsadeen guud ahaan magaalada Baqdaad, iyagoo si gaar ah diirada u saaray goobaha halbawlaha u ah maamulka dawladda Ciraaq.

Dawladda Ciraaq, ayaa iyadu dhinaceeda ilaa iyo hadda ku adkaysanaysa mawqifkeeda ah in ay sutida u hayaan ciidamada Maraykanka ee soo duullay, iyadoo weriyayaasha ku sugan magaalada Baqdaad ay xaqiijinayaan in ciidamada Maraykanku la kulmeen difaac adag oo kaga imanaya ciidamada Ciraaqiyiinta ee ku sugan gudaha magaalada Baqdaad.

Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Ciraaq, Maxamed Siciid Al-Saxaaf oo maalmahan dambe shirarkiisa Jaraa’id ku qabanayay wadooyinka Baqdaad sidii loo duqeeyay dhismihii wasaarada warfaafinta saddex cisho ka hor, ayaa sheegay in ciidamada Ciraaq ay guul-darro weyn badeen Ciidamada Maraykanka ee isku dayaya in ay qabsadaan magaalada, isagoo ballanqaaday in ay casharo lama ilaawaana siin doonaan ciidamada cadowga ee soo duullay.

Waxa uu muran ka taagan yahay halka uu ku sugan yahay Madaxweyne Sadaam Xuseen iyo ragga kale ee ugu sar-sareeya dawladiisa, iyadoo ay Maraykanku sheegayaan in firxad ku jiro isaga iyo qoyskiisu, balse taas wax xaqiijinaya lama hayo.

Madaxweynaha Maraykanka Bush iyo Ra’iisal-wasaaraha Ingiriis Blair oo shir ugu dhammaaday magaalada Belfast ee waqooyiga Ireland, ayaa ku dooday inuu sii gabaabsi yahay taliska Ciraaq, haatana loo diyaar-garoobayo sidii dib-u-dhis loogu samayn lahaa dalka Ciraaq marka uu dagaalku dhammaado iyo sidii dawlad rayid ah looga dhisi lahaa dalkaas, iyagoo sheegay in Qaramada Midoobay ay doorka ugu weyn ku yeellan doonto dib-u-dhiska Ciraaq marka dagaalku dhammaado.

Top

“Anigu Ma Samaynayo Sicir-Barar Iyo Wasiir-Barar, Dalkana Lacag Ku Butaacin Maayo", Axmad Siilaanyo oo ka hadlayay kheyriyadda Burco.

Burco (Haatuf): Madaxda Xisbiga KULMIYE, ayaa shalay dadka reer Burco kala hadlay fagaaraha Kheyriyadda, waxayna halkaa ka jeediyeen khudbado la xidhiidha ololaha doorashada, iyadoo ay xubnaha halkaa ka hadlay ka mid yihiin Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siilaanyo iyo xubno kale.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Burco, Liibaan Maaweel Shire, dad aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay fagaaraha kheyriyadda Burco, waxaana ugu horeyn munaasibaddaa ka hadlay Maayarka Burco, Axmed Maxamuud Diiriye, wuxuuna Maayarku dadka reer Burco ugu baaqay in ay nabadgelyada ilaaliyaan oo aanu loollanka xisbiyadu xasiloonida wax u dhimin.

“Haddii aynu reer Burco nahay inagu yeynaan noqon baaruudii dhegaha fududayd,” ayuu yidhi Maayarku, isaga oo intaa ku daray in ay xisbiyada dhex u yihiin. Laakiin Maayarka kadib, waxa isna halkaa ka hadlay Mudane Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah golaha wakiillada, kana tirsan KULMIYE, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa; “Ummad kastaa waxay leedahay taariikh, markaa reer Burcow aynu ilaashano taariikhdeena, anagu haddii aanu nahay KULMIYE, waxaanu doonaynaa in aanu beddelno dhaqanka musuqmaasuqa ah ee wadanka ka jira, cidii aynu wadankan ku aamini lahayna waa hogaanka KULMIYE.”

Cabdi Aw Daahir, ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna yidhi; “Anigu kelmad dar-daaran ah ayaan idin odhanayaa, waxaana laga yaabbaa in ay tahay hadalkii iigu dambeeyay ee aan halkan ka idhaahdo doorashada ka hor, markaa dadweynow; waxaan idiin sheegayaa in ay maanta taladii dalku gacantiina ku jirto, waxa markaa waajib ah in aad iska hubisaan cidda aad codkiina siinaysaan, aniga waxay ila tahay in aanu Madaxweyneheena, isaga oo qaderin inaga muddan aanu inagu saari karin xaaladda adag ee wadanku marayo.”

Dr. Cabdi Aw Daahir, isaga oo dadka reer Burco la hadlaya, wuxuu yidhi; “Reer Burcow, ma labadayda wiil ee Guuleed iyo Liibaan ayaad ka liidataan, markay guriga isugu soo galaan waa labada qof ee isugu neceb, marka ay debedda uga baxaana waa labada qof ee isugu jecel, markaa aniga iyo Siilaanyoba mar baanu iska soo horjeednay, maantana gacmaha ayaanu is-qabsanay.”

Intaa kadib, waxa cod-baahiyaha lagu soo dhoweeyay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, wuxuuna ugu horeyn uga mahadnaqay sida weyn ee ay u soo dhaweeyeen, mar labaadkana waxa uu dadka reer Burco ugu baaqay in ay nabadgelyada ilaaliyaan, intaa kadibna waxa uu ka hadlay arrimaha doorashada iyo qorshayaashiisa waxqabad haddii uu ku guulaysto doorashada.

“Haddii aad na doorataan, waxaanu idinku maamuli doonaa sinaan iyoi cadaalad, dalkana maamulka ayaanu wada gaadhsiinaynaa,” ayuu yidhi Siilaanyo, isaga oo intaa ku daray; “Idinka waxaanu idinka codsanaynaa inaad doorataan cidii dalkan u damqanaysa, horena ugu soo damqatay, anaga oo idinka ballan-qaadayna in aanu shaqayn doono dalka horumarkiisa iyo aayahiisa.”

“Magaalada Koosaar ee ku taal waqooyiga Burco, si fiican ayaa nalooga soo dhoweeyay, waxaase ku nool dad jilicsan, markaa haddii aanu guulaysano waxaanu ballanqaadaynaa in aanay boodhka jiifayn ee aanu wax u qaban doono,” ayuu yidhi Siilaanyo, isaga oo intaa ku daray; “KULMIYE ummadda reer Somaliland way ku dhan tahay, waxaanuna haddii aanu ku guulaysano talada dalka wax baanu u qabanaynaa, laakiin samayn mayno sicir-barar iyo wasiir-barar, lacagna wadanka ku butaacin mayno.”

Axmed Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo oo KULMIYE ahi, waxay magaalada Burco gaadheen doraad, iyaga oo ka bixitimay magaalada Hargeysa, iyadoo uu socdaalkoodu la xidhiidho ololaha doorashada, waxaana lagu wadaa inuu magaalada Burco u sii dhaafo meelo kale, sida gobolka Sanaag iyo Degmada Ood-weyne.
 

Top


Saddex Suxufi Oo ku Dhintay Baqdaad Weeraro Ay Maraykanku La Beegsadeen Xarumo Warbaahineed.

Baqdaad (W. Wararka): Ugu yaraan saddex suxufi ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii ay ciidamada Maraykanku duqeeyeen Hudheelka Falastiin ee ku yaalla badhtamaha Caasimadda Ciraaq ee Baqdaad oo ay ka socdaan dagaalo qadhaadh oo dhexmaraya Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Ciraaq iyo weerar gantaal lagu duqeeyay xarunta telefiishanka Al-Jazeera ku leeyahay magaalada Baqdaad.

Hoteelkan oo ay deggenaayeen in ka badan saddex boqol oo suxufi, waxa madaafiic la beegsaday taangiyada Maraykanka ee soo galay magaalada. Labada suxufi ee ku dhintay weerarkaasi, waxay kala yihiin Weriye ka tirsan telefiishanka Al-Jazeera, Daariq Ayuub, Weriye ka tirsan Wakaaladda wararka ee Reuters iyo weriye ka socday telefiishan ku yaalla dalka Isbayn. Afarta dhaawacmayna waxa ka mid ah, sawir-qaade ka tirsan Telefiishanka Al-Jazeera.

Dilkan ay ciidamada Maraykanku ula badheedheen suxufiyiinta ayaa lagu tilmaamay mid ay ku doonayaan in aan la ogaanin xaqiiqada dhabta ah ee dagaalka haatan ku sii faafaya magaalada Baqdaad, gaar ahaan waxa loo arkaa in si gaar ah loola beegsaday telefiishanka Al-Jazeera oo isagu ka dhex muuqday wararka ay wakaaladaha wararku ka soo dirayaan Baqdaad oo uu ka soo werinayay si mug leh oo xaqiiqada waafaqsan, iyadoo dhawr goor oo horena weeraro la beegsaday xarumaha ay uu telefiishankaasi ku lahaa dalka Ciraaq.

Cambaarayn badan ayaa dilka suxufiyiintan loo soo jeediyay ciidamada Maraykanka, taas oo ay si gaar ah u cambaareeyeen ururka Suxufiyiinta Adduunku.

Top


Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo kala Hadlay Dadka Reer Ceerigaabo.

Ceerigaabo (Haatuf): Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay gaadhay xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxayna dadka reer Ceerigaabo u soo dhoweeyeen gudoomiyaha iyo weftigiisa si weyn, iyadoo ay ku soo wareegeen magaalada.

Hase yeeshee, gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe oo ah Musharaxa Madaxweynaha ee xisbigaas, waxa uu socdaalkoodu la xidhiidhaa ololaha doorashada, isla markaana wuxuu shalay galabnimadii dadka reer Ceerigaabo kala hadlay fagaaraha garoonka kubadda cagta magaaladaas, wuxuuna Mr. Faysal uga waramay dadka gobolka Sanaag Barnaamijkiisa siyaasadeed iyo waxyaabaha uu qabanayo xisbigiisu hadda ay ku guulaystaan tartanka.

Gudoomiyaha UCID, waxa uu sheegay in ay wax weyn ka tari doonaan caafimaadka, waxbarashada iyo waxyaabaha aasaasiga ah, isla markaana wuxuu ugu bushaareeyay dadka gobolka Sanaag iyo Burco, haddii ay dadku codkooda siiyaan oo ay doorashada ku soo baxaan.

Mr. Faysal, waxa kale oo uu xusay inuu khayraadka uu gobolka Sanaag qaniga ku yahay wax ka qaban doono, isagoo dhinaca kalena ka dayriyay xaaladda abaarta ah ee ka taagan dalka, wuxuuna ugu duceeyay dadka in Illaahay roob u shubo.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe iyo weftigiisu intii aanay gaadhin gobolka Sanaag, waxay dadka ku dhaqan degmooyinka iyo tuullooyinka Yiroowe, Wadaama-goo’, Oog iyo Degmada Caynaba kala hadleen Barnaamijka iyo siyaasadda xisbiga UCID iyo waxyaabaha uu qaban doono haddii ay codkooda siiyaan.

Top


Saddex Suxufi oo ku dhintay Baqdaad.

Baqdaad (W. Wararka): Ugu yaraan saddex suxufi ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii ay ciidamada Maraykanku duqeeyeen Hudheelka Falastiin ee ku yaalla badhtamaha Caasimadda Ciraaq ee Baqdaad oo ay ka socdaan dagaalo qadhaadh oo dhexmaraya Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Ciraaq iyo weerar gantaal lagu duqeeyay xarunta telefiishanka Al-Jazeera ku leeyahay magaalada Baqdaad.

Hoteelkan oo ay deggenaayeen in ka badan saddex boqol oo suxufi, waxa madaafiic la beegsaday taangiyada Maraykanka ee soo galay magaalada. Labada suxufi ee ku dhintay weerarkaasi, waxay kala yihiin Weriye ka tirsan telefiishanka Al-Jazeera, Daariq Ayuub, Weriye ka tirsan Wakaaladda wararka ee Reuters iyo weriye ka socday telefiishan ku yaalla dalka Isbayn. Afarta dhaawacmayna waxa ka mid ah, sawir-qaade ka tirsan Telefiishanka Al-Jazeera.

Dilkan ay ciidamada Maraykanku ula badheedheen suxufiyiinta ayaa lagu tilmaamay mid ay ku doonayaan in aan la ogaanin xaqiiqada dhabta ah ee dagaalka haatan ku sii faafaya magaalada Baqdaad, gaar ahaan waxa loo arkaa in si gaar ah loola beegsaday telefiishanka Al-Jazeera oo isagu ka dhex muuqday wararka ay wakaaladaha wararku ka soo dirayaan Baqdaad oo uu ka soo werinayay si mug leh oo xaqiiqada waafaqsan, iyadoo dhawr goor oo horena weeraro la beegsaday xarumaha ay uu telefiishankaasi ku lahaa dalka Ciraaq.

Cambaarayn badan ayaa dilka suxufiyiintan loo soo jeediyay ciidamada Maraykanka, taas oo ay si gaar ah u cambaareeyeen ururka Suxufiyiinta Adduunku.

Marka laga yimaado xaaladda abaareed ee hadda taagan waxa kale oo laga wer-wer qabaa inuu roobka gugu raago, taasina ay dhibaatada sii balaadhiso. Sidaa awgeed waxa uu wasiirka deegaanku sheegay in markii ay xukuumaddu qiimaysay baaxadda dhibaatada abaarta iyo inay abaartu ka jirto dhamaan lixda gobol ee Somaliland waxay caalamka ugu baaqaysaa, in dadka dhibaataysan ee reer Somaliland loo fidiyo kaalmo deg deg si looga hortago, aafadda balaadhan ee ka dhalan karta xaaladda ba’an ee abaarta ka taagan Somaliland.

Top


Xisbiga KULMIYE Oo Xafiisyo Ka Furtay Gobolka Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga KULMIYE ayaa shalay xafiisyo ay tiradoodu gaadhayso ilaa sagaal xafiis ka furtay xaafadaha iyo meelo hareeraha magaalada Hargeysa, waxaana munaasibadihii furitaanka Xafiisyadaa hadalo ka jeediyey qaar ka tirsan madaxda xisbiga KULMIYE, iyadoo ay masuuliyiinta xafladahaa ka hadlay ka mid ahaayeen C/casiis Samaale oo ninka xisbiga KULMIYE u qaabilsan hawlaha kaambaynka. Waxa kale oo ka mid ahaa Canab Cumar Ileeye oo ah gudoomiyaha garabka haweenka xisbiga KULMIYE ee gobolka Hargeysa.

Sidoo kale waxa xafladahaa lagu soo bandhigay suugaan kala duduwan qaar ka mid ah dadkii xafladahaa ka soo qayb galay, waxaana marka laga yimaado magaalada Hargeysa gudaheeda ka mid ahaa meelaha kale ee Xafiisyada laga furay tuullada Xaraf oo magaalada Hargeysa ka xigta dhinaca koonfur galbeed iyo tuullada kale ee la yidhaahdo Agabar.

Top


Ururka NEGAAD

Hargeysa (Haatuf): 25 haween ah oo ka kala socda degmooyinka labada gobol ee Awdal iyo Hargeysa ayaa shalay tababar uga furmay xarunta gaboodka haweenka NEGAAD, wuxuuna tababarkaasi ku saabsan yahay kor u qaadidda wacyiga siyaasiga ah ee haweenka Somaliland iyo weliba sidii ay haweenku faham dheeraad ah uga qaadan lahaayeen hawlaha doorashada iyo codaynta.

Tababarkan oo socon doona mudda afar maalmood ah waxa meelmarintiisa iska kaashaday dalaayadda haweenka ee NEGAAD iyo hay’adda samafalka caalamiga ah ee UNICEF, xafiiskeeda Hargaysa, taas oo ay hay’adda UNICEF bixisay kharashka ku baxaya tababarkan, halka ay qolada NEGAAD-na qabanayso hawsha fulinta.

Gudoomiyaha NEGAAD, Ismahaan C/salaan oo munaasibaddii furitaanka tababarkan hadal ka jeedisay ayaa ka warantay ujeedada tababarkan, iyadoo sheegtay inuu qayb ka yahay barnaamij hadda in muddo ah soo socday oo la xidhiidha kobcinta garaadka siyaasiga ah ee haweenka Somaliland. “Waxaaanu ka gaashaamanaynaa inay haweenku fahmaan qaabka cod-bixinta iyo calaamadda xisbiga ay codaynayaan”ayey tidhi gudoomiyaha NEGAAD.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay sarkaal magaciisa la yidhaahdo Xasan oo ka socday hay’adda UNICEF.

Top


Shoolada ma ugu dhaceen Guddiga doorashooyinku hawshoodii, Qore: Raaqiya Cabdillaahi Oomaar.

Dadka reer Somaliland ee dalka gudihiisa ku sugan, ayaa indho xiiso leh ku eegaya maalinta 14-ka April ee foodda inagu soo haysa. Haddaba, aniga oo dareenkaa la qaba dadka intiisa kale, haddana munaasibaddani waxay ii saamaxaysaa in aan markii u horeysay noloshayda codkayga ka dhiibto doorasho ka dhacda dalkayga hooyo, kadib markii ay ii suurtoobi wayday in aan ka qayb-qaato codbixintii doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday badhtamihii bishii December ee ina soo dhaaftay, waxaana la odhan karaa Alleylahe inteeda ayey ku sugeen dadka reer Somaliland in dalkooda lagu qabto doorasho xor ah oo xalaal ah oo ay Madaxweynahooda iyo Ku-xigeenkiisa ku dooranayeen, taas oo ay xaqiijinteeda halgan dheer u soo galeen, balse ay haatan dharaaro uga hadhsan yihiin haddii Eebbe idmo.

Cidda aynu uga wada fadhino in ay sugaan meel marinta in doorashadu si xalaal ah u dhacdana waxa weeye, xubnaha komishanka doorashooyinka Qaranka ee ka kooban 6-da nin iyoi haweenayda. Hawshan oo culeyskeeda marka la eego aanu ahayn mid qofkastaa u babac dhigi karo, taas oo ay u weheliyaan duruufaha jira ee Somaliland u gaarka ah, sida waayo-aragnimo la’aanta dadka oo ay ugu dambaysay doorasho hannaankan oo kale Madaxweyne lagu dooranayo wakhti durugsan oo laga soo wareegay 35 gu’ iyada oo mujtamaca imika dadka ugu badani aanu aynigoodii u saamixin in ay ka qayb-galaan doorashadaas dhacday 1968, taas oo dadkii ka footeeyay ay hadda ku xusuustaan naaneyso musuq-maasuq, ku shubasho iyo hibashada hiirtaanyo colaadeed oo ay ka dhalisay mujtamaca dhexdiisa, arrimahaas oo keenay markii dambe in si degdeg ah loo mijo-xaabiyo xukuumadii la doortay oo uu dhaco afgenbigii caanka ahaa ee askarigu xukunka kula wareegay.

Haddaba markaad eegto xiligan iyo doorashada aynu u diyaargaroobayno, waxa laysku raacsan yahay in doorashadani ay ka fogaato wixii tii 1968-kii ay ku khasaartay, iyadoo xilligan dadkuna ay ku jiraan xilli wakhtigu uu macalin u yahay oo wadar ahaan xataa Komishanka doorashooyinka aynu doorashadan casharo taariikhi ah ku baranayno.
Komishanka doorashooyinka qaranka waxa la aasaasay 2001, waxaana loo igmaday inay dalka Somaliland ka qabtaan, ama agaasimaan doorashooyinka dawladaha hoose, madaxtooyada iyo ta golayaasha baarlamaanka. Laakiin Desembar 15-keedii waxa u hirgashay inay qabtaan doorashadii golayaasha deegaanka ee dawladaha hoose, doorashadaas oo aan laa odhankarin dhaliili kamay raacin komishanka, iyadoo ay jireen tabashooyin ka soo yeedhay qaar ka mid ah lixdii urur ee ku loolamayay, balse marka la eego duruufaha iyo waaya-aragnima-la’aantii jirtay ay hadana doorashadaasi yeelatay sawir mucjiso leh, iyadoo ay u dhacday hab nabadgelyo saayid ah iyo ikhtiyaar leh, taas oo sida uu qiray gudoomiyaha komishanka Axmed Xaaji Cali “Cadami” ay codbixyaasha iyo dadweynaha kaga mahad sheegteen siday isugu xilqaameen ilaalinta nidaamka iyo nabadgelyada.

Casharada ay Komishanku ka dhaxleen doorashadii dawladaha hoose, waxa ka mid ah; iyaga oo doorkan in Xoghayaha goobta coddeyntu aanu noqon mid ka soo jeeda degaanka lagu coddeynayo, si looga foojigaysto wax-isdhaaf-dhaafis lagu shuraakoobay.

“Way adkaanaysaa in ay isu sanqadaan marka uu masuulka goobta coddeyntu uu yahay mid aan deegaanka ka tirsanayn.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Komishanka Axmed Xaaji Cali. Sidoo kale, waxa komishanku doorkan uu kordhiyay goobihii codbixinta oo waxa la gaadhsiiyay 900 oo goobood, si looga taxadiro suququl dadka wakhti badan kaga qaada kiyuuga.

Waxa kale oo la soo saaray sharci lagaga hortagayo in qofku uu mar keliya wax ka badan coddeyo, iyada oo ay cidii falkaas ku kacdaa mutaysan doonto hal sanno oo xadhig ah, waxaana si gaar ah indhaha loogu hayaa dumarka oo xinaha iyo daawooyinka ay farahooda ama timaha marsadaan awgeed ay u hawl-yarayd doorkii hore in ay iska masaxaan khadka lagu calaamadiyo faraha qofka, kadib marka uu codkiisa dhiibto, iyada oo komishanku uu hadda keenay qalab lagu ogaan karo qofka calaamadani hore u gaadhay ee doonaya inuu laba jeer codeeyo. Ka hortaga arrintan waxa komishanku u adeegsaday ururada haweenka, si wacyigelin ugu fidiyaan. Tallaabooyinka ay komishanku qaadeen, waxa ka mid ah dhinaca kharashka oo degmo walba ay miisaaniyadeeda hore ugu sii qadimeen.

God-daloollooyinka ugu waaweyn ee ka soo baxay doorashadii dhaweyd ee dawladaha hoose, waxa ka mid ahaa; muraaqibiinta ama goob-joogayaasha ururada siyaasadda oo ahaa dad u badan dhallinyaro aan lahayn tababar ama waayo-aragnimo ay ku gudan karaan xilkii la saaray. Laakiin doorkan, komishanka oo la kaashanaya 3 xisbi ee doorashada ku tartamaya, ayaa arrintan u diyaariyay barnaamij hawshan loogu sii tababarayo xisbi kasta 36-qof, kuwaas oo iyaguna sii tababari doona sagaalka boqol ee muraaqib ee xisbi kasta laga rabo.

Tababarkan oo lagu qaban doono caasimadaha gobollada, waxa bixin doonna komishanka qaranka.

Kala soco mawduucan qaybtiisa dambe Wargeyska Haatuf cadadkiisa Jimcaha oo ay Raaqiyi kaga hadli doonto waxyaabihii ka soo ifbaxay xubnihii goleyaasha deegaanka loo doortay ee xisbiyada u galay iyo arrimo kale oo la xidhiidha doorashada.

Top


“Fursad Qaaliya Weeyi Doorashadu, Taariikh Baana Is Qoraysa”,
Bayaan, Somaliland Forum.

Hargeysa (Haatuf): Ururka Somaliland Forum, ayaa soo saaray bayaan ay ugu baaqayaan bulshada reer Somaliland, Xukuumadda, laamaha Nabadgelyada, Guddiga Doorashooyin iyo saddexda Xisbi ee ku loollamaya doorashada Madaxtinimada Somaliland ee bisha 14-keeda lagu wado in ay ka dhacdo dalka in ay ilaaliyaan sidii ay doorashadaasi ugu dhici lahayd si xaq iyo cadaalad ah, iyadoo la iska ilaalinayo wixii carqalad u keenaya doorashada.

Bayaankan ay soo saareen Somaliland Forum oo ay na soo gaadhsiiyeen ururku, wuxuu u qornaa sidan:

“Dal iyo Dan Wadaagayaal, Salaanta Islaamka ka bacdi, waxa muddo maalmo toddobaad ka yar ka hadhsanyihiin inagu soo fool leh doorashaddii Madaxtoyadda Somaliland oo ay tahay in loo dareero sanduuqyada codbixinta si loo doorto Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen shanta sannadood ee soo socda hoggaamiya dalkeena.

Sida caadadu tahay, adduunweynahu doorashoyinkan oo kale waxay u qabtaan si loogu kala saaro muwaadiniin isu soo sharraxay una tartamaya jagadan ugu sarraysa jagooyinka dawladda. Hase yeeshe, sida aynu ka wada dheregsanahay Somaliland doorashadani macno intaa ka fog oo ka baladhan ayay ugu fadhidaa. Marka hore waa doorashadii ugu horraysay ee uu dadkeenu u codeeyo doorasho madaxweyne ilaa iyo maalintii aynu xornimadeenna hanannay. Sidoo kale, waxa ay tahay doorashadani mid aynu adduunweynaha ku tusayno inaynu nahay ummad hanattay gobannimadeedii una hagarbaxday inay ku dhaqmaan dhammaan astaamaha lagu tixgeliyo quruumaha xorta ah.

Haddaanu nahay ururuka Somaliland Forum ee ay ku bahooben qurbo-jooga reer Somaliland, inkastoo aanu dibadda ka joogno hawshan culus iyo munaasibaddan dalkeena ka dhacaysa, haddana marnaba nama seegana qiimaha iyo miisanka maalintani u leedahay ummadeena. Urur ahaana waxaanu ugu baaqaynaa dadka reer Somaliland inanu idin garabjoogno; dhinacayagana habeen iyo maalin-ba aanu ku hawlanahay ka midho dhalinta qaddiyada Somaliand xor ah. Laakiin, walaalayaal, si maalintaa taarikhiiga ah ee doorashadda bisha Abril 14keeda inagu soo socotaa inoogu hagaagto, ayaa anguna waxaanu idinku boorinaynaa oo idinkula dardaarmaynaa sidatan:

1) SHACBIWEYNAHA REER SOMALILAND
Shacbiweynaha reer Somaliland ee xorta ah waxaannu leenahay: dhidibbada ugu waaweyn ee ay ku taagantahay Jamhuuriyadeena Somaliland waa idinka, dhibaato wixii loo soo marayna cidi idiin sheegimayso oo idinka ayaa usoo samray; adduunweynahana hore ayaad ugu caddayseen inad tihiin ummad gayda gobannimada ad maanta hadhsanaysaan. Walaalayaal, maanta tallaabada aynu qaadaynaa waa mid aynu hore ugu sii durkayno; sidaas darteed, si ay taasi inoogu hirgasho waxaanu idinku guubaabinaynaa inad ilaalisaan nabadgelyada guud ahaan, qof walba oo idinka mid ahina uu xildheeraad ah iska saaro sidii uu waajibkiisa distooriga ah si habsami ah ugu gudan lahaa; codkiisana isaga oo madaxbannaan u siin lahaa hoggaanka amma xisbiga uu aamminsanyahay inuu hoggaanka dalka hanan karo; sidii aad kal horeba u samayseen.

Waxa kale oo aanu idinku boorinaynaa inaad gacan buuxda siisaan laamaha nabadgelyada, Guddida doorashada iyo goobjoogayaasha ka shaqaynaya doorashada; sidii caadadda ahayd, wax walbana ka hormarisaan nabadgelyadda, jiritaanka iyo danta guud ee Somaliland. Waxaad ogaataan in cidda maanta ay siyaasiyiintu ama xusbiyaddu u kala baratamayaan ay idinka tahay; idinkana ay masuuliyad weyni idin saarantahay; sugida nabadgelyadda iyo habsami socodka doorashadda.

2) DAWLADDA QARANKA
Dawladda Somaliand ee maanta xilka haysa iyadoo ka mid ah kooxaha ama xusbiyadda maanta u tartamaya hanashada codka ummadda Somaliland, ayaa haddana waxay tahay, xilka ugu weynina ka saaranyahay hawlaheedi iyo masuuliyadii dawladnimo ee ay shicibka u haysay. Wakhti doorasho marka la gaadho waxa dhacda in dalku iyo dadkuba ku mashquulan arrimo doorashoyinka la xidhiidha. Sida aynu la wada soconona dalkeenan Somaliland weynu ognahay cadowyadda faraha badan ee uu leeyahay. Sidaas darteed, waxa lama huraan ah in masuuliyadda ugu weyn dawladdu iska saarto sidii wakhtiga doorashada lagu jiro, iyo wakhtiga ka horeya ee diyar garowga lagu jiro; iyo wakhtiga ka danbeeyaba ay ugu dadaali lahayd sidii aanu cadowgeenu u heli lahayn fursad uu kaga faa'iideysto dalkeena oo uu ku waxyeeleyo. Waxaa dawladda ugu muhiimsan ee lagala xisabtamana waa sugidda nabadgelyadda dalka.

Sidoo kale, waxa helisteedu lagama maarman tahay kala shaandheynta arrimaha xusbi iyo dawladed, si dantii guud ee dalku u sugnaato.

3)LAAMAHA NABADGELYADDA QARANKA
Laamaha nabadgelyadda qaranka waxaanu la qiraynaa in Nabadgelyadu tahay muftaaxa habsami u socodka codeynta shacbiga; sidaa darteed,in ay maanta masuuliyad weyni idin saarantahay. Waxaad qaranka u haysaan xil miisaan leh, waxannuna idinku guubaabinaynaa inad sidii la idiinka bartay nabadgelyadda goobaha codbixinta masuuliyadeda uga soo dhalashan. Waxaan si gaar ah idin xusuusinaynaa oo xusid mudan in doorashadani laga yaabo inay noqoto mid ka duwanaata tii dawladdaha hoose; sidaas darteed, ay lagama maarman tahay in laamaha nabadgelyaddu si ka duwan oo ka balaadhan sidii doorashadii dawladaha hoose ugu diyaar garoban tan Madaxtoyadda.

4) KOOMISHANKA DOORASHOYINKA
Waxaanu qirsanahay oo cid waliba ogsoontahay sida baaxadda hawsha la idiin xil saaray, hadaad tihiin Komishanka doorashooyinka, u balaadhnayd; iyo sida fiican ee aad u soo giraangirisen.
Hase yeeshe, waxa maanta idin horyaalla oo aad u madaxbannaantihiin mashruuc qaran oo ka midha dhalintiisa qayb laxaad lihi idinkaga soo beegantay. Sidoo kale, waxa xusid mudan oo ay tahay in marwalba aan la hilmaamin in doorashadda maanta inagu soo foolka lihi ka duwan tahay, kana dareen badantahay tii dawladaha hoose ee bishii December 2002 dalka ka dhacday. Sidaas darteed, waxannu idinku guubaabinaynaa inad ka feejignaataan qaladaadka idin soo food saari kara, una dhabar adaygtaan dhibaatooyinka lama-sii-arkaanka ah ee idinka hor iman kara, idinka oo cuskanaya awoodda la idin siiyay iyo Ilaaha waaxidka ah. Sidoo kale, inaad inta itaalkina ah; idinkoo la kaashanaya hayaddaha dawligaa, kuwa madaxa banaan iyo cidii kale ee danaysaba, aad ka digtoonatan, iskuna daydaan inanay dhicin oo soo noqon khaladaadki dhacay doorashoyinki hore.

5) GOLAYAASHA DAWLADDA
Geeddi dheer ayaynu usoo marnay doorashooyinka iyo habka ku dhaqanka dimuqradiyadda, shakina kuma jiro in kaalintiinnii qeybo badan aad si wanaagsan uga soo baxdeen. Laakiin, sida aanu kor ku soo xusnay maanta dalku wuxuu marayaa wakhti xasaasiya oo marxalad siyaasaded oo kala guur ah.

Sidaas darteed, waxa lama huraan ah in la helo goleyaal dawladeed oo ka saari kara Somaliland maanta marxalad kasta oo lasoo gudboonaata. Waxa la idiinka fadhiyaa, laydinkana filayaa inaad noqotaan kuwii hormoodka ka ahaan lahaa sugida nabadgelyadda; ka hortaga wixii walba ee dhibato keeni kara iyo ilaalinta Maandeeq. Mar haddii maanta labadiina gole ee dawli aydaan doorasho idinku u taagneyn; masuuliyadda idinka saaran qaranku waa mid xoog leh; taariikhduna ka markhaati noqon doonto sida aad u gudataan xilkaa ama waajibadkaa idin saaran.

6) AXSAABTA SIYAASADDA EE KURSIGA U TARTAMAYA
Axsaabta qaranka mucaarid iyo muxaafidba haddaad tihiin qayb laxaad leh ayaad ka soo qaadateen habsami socodka iyo meellmarinta hanaanka Dimoqraadiga ah ee Somaliland hanatay. Sidoo kale, waxa aad noqon doontaan qaar lagu xuso oo caruuraha Somaliland ee mustaqbalka taariikhda loogu dhigo sidii aad ula macaamisheen dadkii iyo dalkii idin aaminay ee aad hogaanka u qabateen ama doonten inad u qabataan. Waxaanu idin xusuusinaynaa hadaad tihiin xisbiyadda siyaasadda ee ku hirdamaya doorashada soo socota in ay masuuliyad aad u weyni idinka saarantahay nabadgelyadda iyo habsami socodka Jamhuuriyadeena curdinka ah ee Somaliland. Sidoo kale, waxaa muhiim ah oo ay tahay in laysla qaato in danta guud ee Somaliland ay noqoto mid wax walba ama kursi walba ka weyn oo aad ka hormarisaan; waxaanan rajaynaynaa inaad noqon doontan kuwii sidaas yeela.

Inkastoo maalintii doorashada weli la gaadhin, waxaanu ku rajo weynahay in wakhtiga doorashadu ay socoto iyo marka ay dhamaataba aad noqon doontan kuwii dadka iyo dalkaba jahayn lahaa, ee aydun noqon dad damac siyaasaded qaaday oo kurso-ku-dirir ama kursi-ku-dheg ka muuqdo.

GEBOGEBO
Anaguna hadaanu nahay ururka Somaliland Forum iyo qurbo-jooga reer Somaliland il gaara ayaanu idinku eegaynaa, kuna hayn doonaa doorashada soo socota, Insha'Allah. Waxaan mar walba heegan u nahay wixii danta guud ee Somaliland na farto; anagoo marnaba yeeli doonin wixii Maandeeq danteeda ka soo horjeeda, ama waxyeelo ku yeelan kara.”

WaBilaahi Tawfiiq.
Somaliland Forum.
http://www.somalilandforum.com

Wixii faah-faahin la xidhiidh: Dahir A. Jama, Chairman - chair@somalilandforum.com
Ahmed H. Ismail, Vice-Chair - vice@somalilandforum.com
Omer A Hassan : EC Member - xubin@somalilandforum.com

Top


Garta Xeer-Beegti. Garta Dhaqanka.

Marka laga hadlayo waxyaalaha ay dadku isku qaban-jireen ama isku qabtaan, waxa guud ahaan loo kala saaraa saddex qaybood oo waaweyn, waxayna kala yihiin.

Qadaf (Gef), Qabno (Adduun) iyo Qoomaal (Dhiig).
Saddexdan arrimood ayaa marka ay dhacaan laga gar-naqsadaan waxayse gartu u dhacdaa lab siyood ama ay noqotaa, waxayna kala yihiin: Garley ama Garowshiiyo-lay, markaa haddii ay garley noqoto waxa la furaa dood iyo dacawi ay wada galaan dhinacyada iska soo horjeeda, laakiin haddii ay noqoto garawshiiyaley waxa lagu saleeyaa ama loo maraa ama loogu magac-bixiyaa laba hal mid uun A) Curad ama Ugub, haddii ay arrintu la isku hayaa tahay wax hore u dhacay oo hore looga gar-naqay waxa la yidhaahdaa malaha arrintani wax ugub ah ee waa Curad, taas oo loola jeedo inay arrintan oo kale hore u dhacday, sidaa darteed waxa maaraynteeda loo eegaa wixii xeer ahaa ee dadka ama qabaa’ilka arrintu dhex-taal ammuurtan oo kale waxa lagu kala qaataa xeerkaa. Laakiin haddii ay arrinta dhacday ugub tahay, iyada oo ugub loo jeedo arrin aanu nooceeda oo kale hore uga dhicin, beesha ama beelaha dhexdooda, waxa xal u helideeda ka fekera, ka dib-na talo iyo go’aan ka gaadha ragga ay markaa dhextaal, ilayn waa tii hore loo yidhi: (Raq-ba waa ku rageed).

Ta kale marka aad garnaqsanayso ugu yaraan afar arrimood ayaad ku gar-waayi kartaa, kuwaas oo kala ah 1) Af-waa (hadal-garanwaa), 2) Hamrasho (dhiirasho la’aan), 3) cadayn la’aan iyo 4) iyada oo lagaa eexdo.

Cadaymuhu waa waxa ugu horeeya ee arrinta laga gar-qaadayo, rukunka koowaad u ah, laakiin haddii qiraale la helo, markaa looma baah-na wax cadayn ah, sida millad (Dhaar), markhaati iwm, isla markaana haddii la eego xiligan lagu jiro ee casriga loo yaqaan haddii arrinta loo helo cadaymo rasmi ah (Official Documents), markaa looma baahna markhaati iyo dhaartoona.

Hase yeeshee markhaatigu inta badan waa rug muduci, taas oo macnaheedu yahay inuu ninka muduciga ahi inta badan isagu xaq u leeyahay inuu keensado markhaatiyo, sidoo kale milladu inta badan waa rug madacaalay.

Ta kale qofka ama cidda muduciga ahi waxa uu dacwigiisa u qaybinaya laba qaybood (Two Chapters), waxayna labadaa qaybood kala yihiin A) Inuu hadalkaaga hore noqdo mid wax kuu qoda, taas oo ah inay iftiimiso ama bal-balaadhiso sida uu wax u leeyahay iyo qaybta labaad oo ah, inuu hadalku noqdo mid wax kaa gufeeya, taas oo ah sidii aad uga hortegi lahayd waxa uu ninka kaa soo horjeedaa damacsanyahay inuu kugu gar-waasiiyo.
La Soco.

Top


Jilba-Dhiig.

Xayaad waxa markiiba barkimadda ag-dhigtay qulub iyo calool-xumo sidaa darteed Xayaad, iyada oo aanu todobaad qudhi ka soo wareegin geeridii saygeeda ayey qori ka dhuubatay, waxa ka go’ay cabudhkii iyo dheehii jidhkeeda sida xuubka caaradda ugu dahaadh-naa, waxa dheeraaday daamanka, waxay u ekaatay sidii qof duumo ka soo doogay, laakiin diifta oogadeeda ka muuqata kama ay dhaxlin duray iyo duumo toona, balse waa qulub nafsaaniya oo dareenkeeda Buste dhigtay.

Runtii noloshii khiyaaliga ahayd iyo hammo beenaadda qofkasta oo aadame ah u been sheegta ayaa Xayaad-na mar u been-sheegtay oo ku tidhi “Hankaagu wuxuu ku gaadhsiin hir doog leh” laakiin wixii ay ku hammiyeysay iyo xaqiiqda maanta hortaal waa kaaf iyo kala dheeri, way madoobaatay, dhabankiina labentii ayaa ka dhacday, oogadeedana waxa saarran asay madaw.

Gabadhii Xayaad ee wiilkasta sanka ka qabsatay, wiilkii ay is-tidhi “Malaa kan ayaa kufkaaga ah oo aad nolosha la qaybsan kartaa” iyada oo aanay todobaadkii loxoska arooskoodaba ka bixin ayuu Eebbe oofsaday, taasina waa Qadarka Alle.

Inkasta oo aanay maqaadiirta Alle keenaa cay iyo canaan toona lahayn, nafteedu way ka samri weyday, sidaa awgeed marka ay nafteeda la shawrayso waxay is-weydiisaa su’aalo xusuusteeda damqaya iyo hadalo calaacala oo ay mararka qaarkood nafteed ku hiifayso.

Xayaad marba oogadeed ayey jaleecdaa, ka dib-na waxay isha-ku dhufataa asayda saaran, ka dibna waxay ku calaacashaa “Ma anigoon aqal-galkaygii todobaad bixin ayaan asay qaaday, tolow xagee bay inkaartu igaga dhacday, waalidkayna ima habaarine.”

Laakiin dam-qashada xusuustu marba meel bay Xayaad wax ka tustaa, sidaa darteed waxay mararka qaarkood tidhaahdaa “Malaa inkaarmihii (Biixi) ee aan dhabarka u jeediyey ayey ili igaga dhacday.”

Ehel iyo saaxiiba way isugu tageen oo Xayaad way kala quusteen inay dhibaatadda la kulantay samir ka qaadato, isla markaana ay yiqiinsato inay wixii dhacay ku yimaadeen xukunka Eebbe iyo inay calool-adayga weheshato oo aanay nafteeda galaafan, balse nafteedu waxba ma garawsan, tolow maxay xaaladeedu ku dambayn doontaa.

Biixi waa isaga ugu war dambaysay arooskii iyo alalagtii, laakiin ma oga waxa dambe ee dhacay, sidaa darteed Biixi waxay xaaladiisu isa soo taagtay, isaga oo aan shilin isku furan oo ay waxoogaagii loo qaadhaamay ka baaba’een, isla markaana fara madaw iyo quus kama dambays ah ka jooga iyo weliba naftiisa oo jidh ahaan iyo maskax ahaanba xataa codkiisu is-bedelay, lagama warami karo diifta oogadiisa ka muuqata, wuxuuse arrinsaday inuu magaalada iskaga baxo.

Biixi wax kale iska daayoo xataa ma haysto wax koob shaah ah lagu cabo, adduun baabuur lagu raacona hadalkiisaba daa.

Sidaa darteed Biixi wuxuu maalintii dambe go’aansaday inuu lugtiisa miciinsado, dabadeedna inta uu kiish yar waxoogaa maryo ah ku gurtay ayuu maalin dambe dhaqaajiyey, isaga oo afka saaray deegaankii reerkooda, wuxuuna Xamar ka soo bixitimay maalin seddexaadii arooskii Xayaad.

Xiligu waxa uu ahaa Jiilaal waxaana dhulka ka jirey abaaro iyo oodo kulul, taas darteed-na xaaluf iyo biyo la’aan ayaa arladda ka jirta, sidoo kale waxa dhacaya omos iyo siigo jiilaal. Marka la eego xaalufka arlada ka jira waa marka ay Soomaalidu tidhaahdo “Wadaanta Qoyani dhulka xaab kama qaaddo.”

Sidaa darteed Biixi wuxuu wejiga saaray socod dheer oo adag, taas oo uu dharaartii oo dhan socon jirey, habeenkiina had-ba reerka ugu dhaw jiida uu lugaynayo ayuu ku xerroon jiray, taas oo ay arrintiisu noqon jirtey reer Alle wax ka siiyo iyo reer uu ku dul-qado, oo uu biyo iyo baad toona ka waayo, wuxuuse maalintii hadhimo ka dhiggan jiray xabagta duudda (dhirta).

La soco.

Top