Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 308 April 12, 2003

Shirkad Wadani Ah Oo Xinaha Iyo Qasilka Soo Saartay.

"Waxaan Ahaa Macalinkii Daahir Rayaale, Waxaanan Ku Idhi...” Maxamed Aw Geele - Macalinkii Daahir Riyaale Oo La Wareystay.

Madaxweyne Rayaale Oo Maanta Ka Hadlaya Kheyriyadda Hargeysa.

Guddi Aqoonyahano Sare Ah Oo Loo Xulay Inay Doorashada Dusha Ka Ilaaliyaan "Waynu Garanaynaa Lugaha Ay Nabadgelyadu Ku Taagantahay markaa…" Hadraawi.

Gaadhi Dameer-Layaal Iyo Gaadiidley Reer Burco Ah Oo Isu Soo Bax Ku Taageeray KULMIYE.

Burco: Khudbadaha Kheyriyadda, Loolanka Adag Iyo Duruufaha Yaal.

“Wasiiraddii La Magacaabay Lacagta Ha iska Qaateen, Sool iyo Buuhoodle Doorasho Kama Dhacaysee” Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay Kheyriyadda Hargeysa.

Jilbo-dhiig.

Waa Tuma Dawladda Haboon? Qeybta 5aad : Warshadeynta dalka iyo shaqo abuuridda.

IFTIIINKA ISLAAMKA: AHMIYADDA MASAAJIDADA IYO BAAHIDA LOO QABO DHISMAHOODA.

Garta Xeer-Beegti, Garta dhaqanka iyo xeerarka Somalida.


Shirkad Wadani Ah Oo Xinaha Iyo Qasilka Soo Saartay.

Hargeysa (Haatuf): Shirkad yar oo wadaniya oo dhawaan bilaabay (Samaynta) xinaha iyo qasilka ayaa waxa soo saarkoodii u horeeyey todobaadkii ina dhaafay suuqyada soo dhigay.

Shirkadan wadaniga ah oo magaciisa la niyaadho ELAN GUDUD, waxa dhawan laga aasaasay tuuladda Hudisa oo ku taal afaafka dhinaca xeebta ee waddada dawga Sheekh, wuxuuna ururkani bilaabay farsamo ay ku samaynayaan xinaha iyo qasilka, iyaga oo wax soo saarkoodii u horeeyey keenay suuqyada magaalooyinka Burco iyo Berbera, waxaase markii u horeysay ee uu ururkani soo ban-dhigo wax soo saarkiisii u horeeyey loo sameeyey xaflad xadhiga lagaga jarayo shix-nad xadhigeedu gaadhayo ilaa 400Kg, oo isugu jira xinne iyo Qasil, laakiin munaasibaddaa oo lagu qabtay tuuladda Hudisa waxa ka soo qayb galay qaar ka mid ah masuuliyiinta degmada Sheekh.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/Raxmaan X. Daahir (Casaan) ayaa todobaadkan horaantiisii magaaladda kula kulmay ninkii hormuudka ka aha aasaaska shirkadan Wadaniga ah ee ELAN GUDUD, oo magaciisu la yidhaahdo Jaamac Cali Khalaf, taas oo uu weriyuhu ninkaa kala sheekaystay sida uu u arko wax soo saarka Shirkadooda, wuxuuna muujiyey inay rajaynayaan inuu wax soo saarkoodu mustaqbalka dhaw sii hormaro, isaga oo sheegay inay ku talo jiraan inay dhawaan alaabta ay soo saaraan suuqyo dibadda u iibgeeyaan, isla markaana ay dhinaca gudaha ku talo jiraan in laga maarmo xinaha iyo qasilka debadaha laga keeno, isaga oo yidhi “Waxaanu ku dedaalaynaa inaanu intii awoodayada ah soo saran-no waxa lagaga maarmo xinaha iyo qasilka debadaha laga soo dhoofiyo oo uu ka tayo fiican yahay qasilka dalkeenu”.
 

Top


"Waxaan Ahaa Macalinkii Daahir Rayaale, Waxaanan Ku Idhi...” Maxamed Aw Geele - Macalinkii Daahir Riyaale Oo La Wareystay.

Maxamed Aw Geele waa macalinkii qoray Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale iskuulka, ee u bilaabay fasalka koowaad (uulada). Wuxuu degan yahay magaalada Seattle ee ku taala gobolka Washington State ee ka tirsan waddanka Maraykanka. Waxan maanta (March 30, 2003) telephone-ka kula hadlay Maxamed.

Maxamed wuxu ii sheegay inuu isagu iskuulka qoray oo uu u bilaabay fasalka koowaad Daahir Riyale Kahin 1961-kii, Maxamed wuxu yidhi, “Daahir wuxuu ahaa ardayda kuwa ugu fiicnaa, xaga tacliinta, edaabta, wax maqalka iyo dhego nuglaantaba. Anagu hadaanu macalimiin nahay, ardaydayada waxaanu u jecelahay siday inamadayadii iyo hablahayagii oo kale yihiin. Daahir wuxuu isku dayi jiray waayeelnimo iyo odaynimo, isaga oo yar. Markuu uulada ku jiray wuxuu markiiba noqday inanka fasalka ka masuulka ah, hormoode ama Alifle. Wuxuu aad iiga furan jiray, inuu kala celiyo, kala dejiyo ama heshiisiiyo inamada ay isku fasalka yihiin. Runtii waan ku farxi jiray markaan arko isagoo hawshaas si fiican u qabanaya. Marka iskuulka la xidhayo term-kii waxa Dawladda hoose bixin jirtay prize, kuwaas oo lagu bixin jiray, nadaafada, adaabta iyo waxbrasharada. Daahir wuxuu had iyo goor ku heli jiray prize, adaabta, nadaafada iyo waxbarashadaba. Wuxuu ka mid ahaa inamada tusaalaha u ah inamada kale ee lagu daydo.Nasiib daro maanta school-ladeena record-koodii lama hayo, laakiin waxaan odhan jiray, iga qora inankaasu wuxuu noqonayaa mid dalkiisa iyo dadkiisaba wax tara eh. Ragii aan caynkaas ku odhan jiray ee reer Qun-jeed ahaa, qaar baa nool maanta. Markaasaa aniga lay bedelay Xamar (waxay ahayd 1962-kii).

Laakiin inamada kuugu horeeyay ee aad school-ka qortaa way kugu dheer yihiin. Daahir wuxu ka mid ahaa inamada aan tirsan jiray ee aan niyada ku hayn jiray. Anigu waxaan tagay macalinimadii wixii ka dambeeyay 1968-kii oo waxan noqday local government council. Markii dhulka askartu qabsatay 1969-kiina waan ka tegay waddanka oo waxan tegay East Africa.

Waxaan waddanka ku soo noqday 1978-kii markii dagaalkii Ethiopia dhamaaday, waxaan imi Hargeysa, halkaas oo aan kula kulmay Daahir Riyaale oo ka ahaa immigration officer, waan ku booqday xafiiskiisii aad iyo aadna waan ugu farxay inaanu is aragno. Intii aan Hargeysa joogay waxan arkay inuu aad iyo aad ugu fiicnaa shicibwaynaha oo uu shaqo fiican u qaban jiray dadkuna aanay ka soo caban jirin.

Nimankii reer Qun-jeed ee aan ku idhi idinku inankaa eega, ayaan berigaa xasuusin jiray. Waxaan u guuray Djibouti oo aan deganaa 1981\82. Markaasaa la ii sheegay in Daahir loo soo bedelay safaarada Soomaalida inuu ka noqdo immigration officer, markaasaan ku booqday xafiiskiisa, oo aan ku soo dhoweeyay magaalada. Waan la taliyay, waanan u duceeyay. Waxaan ku idhi is ilaali, nimanka markaa la shaqayn jiray ee safaarada haystay may ahayn niman qoomiyad iyo qaranimo eegaya, ee waxay ahaayeen niman eegaya maanta maxaan helaa. Nimankaasi way ashtakeeyeen Daahir oo waxay ka ashtakeeyeen wasiirka arimaha dibada oo markaa yimi Djibouti, sidaasaa Daahir lagaga bedelay Djibouti oo loogu celiyay Xamar. Aad baan uga xumaaday markaan ogaaday in Daahir lagu celiyay Xamar, laakiin waxaan filaayay ayay ahayd markaad eegto nimanka safaarada la joogay iyo siday wax lahaayeen. Markaa waxan ku idhi Daahir, raali iska ahaw waad heli doontaa xaqaaga eh. Markaa Djibouti baan sidii u deganaa dhulkeenana waxan ku tegi jiray booqasho.

Waxa Daahir ii xigtay mar aan booqasho ku tegay Berbera 1988-kii, isagaan halkaa marti ugu ahaa laba cisho, wakhti xuna way ahayd. Markaan arkay nimanka ay wada shaqaynayeen oo qawlaysato ahaa, oo wadanka iyo dadka toona aan rajo ka qabin, ayaan waxan ku idhi “Illaahay ha kaa nabad geliyo”. Labadii cisho magaalada ayuu i tusay, wuxuu isoo tusay dhibaatada meesha taalay iyo dadka waxa lagu samaynaayay ee foosha xumayd, taas oo labadayaduba aanu aad iyo aad uga naxsanayn ugana xumayn. Markii aan ka soo baxayay subaxii dambe waa la dardaarmay, waxan ku idhi, dadkani waa dadkaagiiye, waxad u qaban karto u qabo, adna waxan ilaahay kaaga baryayaa inuu kaa badbaadiyo. Waxan ku idhi waxad maanta dadkaaga u qabato, xataa hadaad dhimatona, aniga iyo ilmaaha ayaa u aayi doona, hadaad noolaatona, adigaa u aayi doona. Halkaasaanu isku nabad gelyaynay oo aan kaga imi Berbera.

Intaa waan waraysan jiray oo waxa ii xigtay aragtidiisa, mar aan Djibouti ka imi oo aan Borama imi, halkaas oo aan Daahir kula kulmay, aad baan ugu farxay aragtidiisa. Daahir halkaasaanu ku sheekaysanay, waxaan waydiiyay wuxu jecel yahay inuu sameeyo ee qorshihiisu yahay. Daahir wuxuu iigu jawaabay dhulka carabta aniga lay odhan maayo cabdal aswad, yurub iyo waqooyiga markaykan-kana aniga lay odhan maayo cabiidkii. Waan ugu duceeyay oo waxan ku idhi, Illaahay dhulkaaga ha kaa siiyo wixii debad laga doonayay. Markaasaan anigu Djibouti ku noqday.

Waxan si fiican ugu war hayay, inuu Daahir ka qaatay qayb libaax shirkii 1993-kii ka dhacay Borama. Waxaanu Daahir mar kale isku aragnay shirwaynihii beelaha ee lagu qabtay Hargeysa 1996-kii. Markaa Daahir wuxuu ka mid ahaa dhowr nin oo u tartamayay jagada Madaxweyne ku-xigeenka. Ragg kale ee la tartamayay waxa ka mid ahaa, Cabdiraxmaan Aw Cali, Mahdi Ibraahim Khayre, Muuse Caynaan iyo rag kaleba.

Waxa maalin fursad ii noqotay inaan aqalkiisa imi, maalintaas oo ahayd maalintii ay isaga iyo Cigaal is arkayeen ee wada hadlayeen. Maalintaa nimankii la fadhiyay waxa ka mid ahaa, Illaahay ha u naxariistee Xaaji Carmiye Odawaa, Shide Yare iyo rag kale oo badan oo gogosha fadhiyay oo xaga Cigaal ka socday. Halkaasuu Daahir nimankii isku kaayo baray, markaasu ku yidhi ninkani waa macalinkaygii oo macalinkii i qoray fasalka koowaad. Maalintaas ayaa Daahir loo sheegay in isaga loo doortay inuu Cigaal u noqdo Madaxwayne ku-xigeen. Maalintaa hadal ayaan ku idhi, anoo aad ugu faraxsan, waxaan Illaahay ugu mahadnaqay fursadaa Daahir helay, markaa anigu waxan Daahir u arkaayay inankaygii. Kuligoodna waan u duceeyay oo waxan ku idhi Illaahay ha idinku garab galo hawshan iyo xilkan aad qaadeen, waxaanan idiin sheegayaa inuu Daahir yahay nin ku munaasib ah jagada Madaxweyne ku-xigeen. Waayo lixda gobol ee Somaliland-ba wuu ka soo shaqeeyay, oo wuxu ku leeyahay asxaab, Illaahayna waxan ka baryayaa inuu noqdo ninkaasu kii loo aayo ee dadkiisa iyo dalkiisaba u tara. Sidaasaanu maalintaa ku kala tagnay, sidii baana loogu doortay jagadii Madaxweyne ku-xigeenka.

Doorashadii markii ay dhamaatay ayuu maalin maalmaha ka mida Daahir ii geeyay Cigaal (Illaahay ha u naxariisto) oo yidhi waan iskiin barayaaye inakeen. Markaasu u sheegay inaan macalinkiisa ahaa, oo aan iskuulka qoray. Illaahay ha u naxariistee Cigaal waan u mahad naqay, waan ku hambalyeeyay ninkaa uu la soo baxay, waxaanan ku idhi, kii munaasibka ahaa baad la soo baxday. Ninkanuna oday weeye, waa nin kula shaqayn kara, waxna kaa baran kara, ee adna ka faa’iidayso, isagana u faa’idee.

Waxa aanu Daahir is aragnay laba goor oo dambe dabayaaqadii 2000 iyo horaantii 2001-kii. Markaana waan u duceeyay aad baanan ugu farxay inay si fiican u wada shaqaynayeen Cigaal. Markaa ka dib ayaan u soo kicitimay Maraykanka.

Markii Cigaal dhintay, Illaahay ha u naxariistee, waxaan u fidiyay tacsi, waxaanan ku idhi, xil wayn baad qaadaye Illaahay ha kula garab qabto. Waxan Daahir la hadlay February 2003-kii (bishii hore), waxaan ku idhi, markii xilka laguu dhiibay, Somaliland si nabad gelyo iyo xasilooni leh ayaa xilka laguugu dhiibay, markaa waxan kula dardaarmay, in doorashada soo socota ay u dhacdo si xarago iyo amaanba leh, waxaan ku idhi reer Somaliland waxay kaa filiyaan oo ay jecelyihiin in doorasho xalaala ay dhacdo, oo ay dhacdo si nabad gelyo ah, oo sidii Africa aan la odhan waxbaa lagu shubtay. Waxaan ku idhi Somaliland inankeedii baad tahay, doorasho xalaala ha dhacdo, oo haddii dadkaagu ku doortona u mahadnaq oo si fiican ugu shaqee ummadda, haddii lagaa badiyo doorashadana adigoo qoslaya ku tahniyadee ninka doorashada ku guulaysta, una sheeg inaad ku garab taagan tahay. Intaasaan Daahir kula dardaarmay.”

Maxamed wuxu ku soo gebogebeeyay oo uu yidhi, “Maanta Somaliland adduunka oo dhan ayaa indhaha ku haya, Illaahay waxan inooga baryayaa inuu doorashadan mid khayr qabta oo waddankeena iyo dadkeena horumar u keenta inooga dhigo.”

“Shacbi waynahana waxan leeyahay sidaa fiican ee aad yeesheen, nabada ku tashada ictiraafkuna gacanteena ayuu ku jiraa maanta haddaynu illaashano intaynu hore u soo samaysanay. Doorashadan ku dhameeya si wanaagsan, oo gacmaha is qabsada, oo doorashadu hayna walaalayso, Illaahayna haynoo siyaadiyo - aamin,” ayuu Maxamed Aw Geele ku soo geba-gebeeyay hadalkiisii.

Waraysigan waxa ka soo qaaday Rashid Garuf oo jooga Washington DC, USA. 

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Maanta Ka Hadlaya Kheyriyadda Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, ahna gudoomiyaha iyo musharaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga UDUB ayaa laga wadaa inuu maanta dadweynaha reer Hargeysa khud-bad uga jeediyo fagaaraha khayriyadda, iyadoo la filayo inay khud-badaasi qayb ka tahay ololaha doorashada madaxtinimada.

Sidoo kale waxay wararku sheegeen inay madaxweyne Rayaale iyo taageerayaashiisu socod wareeg ah ku soo mari doonaan daafaha magaalada Hargeysa, iyadoo ay taasi u muuqato kaambayn ugu dambeeyey ee uu madaxweyne debedda ugu soo baxo maadaama ay maalintii cod-bixinta inaga xigto laba-saddex maalmood oo keli ahi. Laakiin lama oga inuu madaxweyne Rayaale meel kale u bixi doono iyo inkale.

Top


Guddi Aqoonyahano Sare Ah Oo Loo Xulay Inay Doorashada Dusha Ka Ilaaliyaan "Waynu Garanaynaa Lugaha Ay Nabadgelyadu Ku Taagantahay markaa…" Hadraawi.

Hargeysa (Haatuf): Guddi ka kooban 15 xubnood oo isugu jira aqoonyahano sare, culima’udiin, abwaano iyo rag kale oo caan ah dhowaan loo magacaabay ayaa shalay markii u horaysay shir-jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland kaga hadlay xilka loo igmaday iyo waxyaalaha looga baahan yahay hawsha doorashada, waxaana guddigan magacaabay akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland, laakiin xubnaha guddigu waxay kala yihiin:

1-Dr- Xuseen C. Bulxan (Gudoomiye) 2- C/raxmaan C/laahi Jaamac (Gudoomiye-xigeen) 3- C/raxmaan Yuusuf Cartan 4- Cabdi Yuusuf Ducaale 5- Maxamed Ibraahin Warsame 6- Dr. Aadan Yuusuf Abokor 7- Rashiid Sh. C/laahi 8- Maxamed Xaashi Dhamac 9- Ismahaan C/salaan 10- Aamina Maxamuud Warsame (milgo) 11- Sh. Maxamed Cumar Dirir 12- Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre 13- Sh. Mustafe Sh. Ismaaciil Haaruun 14- Professor Saleebaan Axmed Guuleed iyo 15- Sh. Xasan Daheeye.

Guddigan oo lagu magacaabay “Guddiga nabadda iyo anshax dhawrka” waxataay shirkooda jaraa’id kaga hadleen arimaha doorashada iyo waxyaalaha looga baahan yahay iyo weliba kaalintoodu waxa ay tahay, waxaana guddigaa gudoomiye ka ah Dr. Xuseen C. Bulxan.
Ugu horayn saraakiisha akaademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland ayaa ka waramay ujeedooyinka iyo hawlaha hayadooda.

Gudoomiye-kuxigeenka guddigan, C/raxmaan C/laahi Jimcaale oo ka waramaya ujeedada iyo hawlaha guddigan ayaa yidhi “Xisbiyadu waxay saxeexeen wax la yidhaahdo xeerka anshaxa doorashooyinka, waxaana jiray qoddob ay xisbiyada iyo qolada guddiga doorashooyinku isla garteen, kaas oo ahaa in la sameeyo guuddi la yidhaahdo anshax dhawrka oo ilaalisa heshiisyadii ay kala qorteen xisbiyadu, isla markaana ka qayb qaadata dabagalka iyo ilaalinta doorashooyinka”.

Dr. Bulxan oo ah gudoomiyaha ayaa isna shirkaa ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Guddiga shaqadoodu waxa weeye inay la shaqeeyaan xisbiyada iyo guddiga doorashooyinka oo ay ilaaliyaan dooorashada, nabadana xoogga saaraan, isla markaana doorashada khl-khalka laga ilaaliyo oo ay noqoto mid si hufan u dhacda.”

Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa guddiga ka mid ah, wuxuuna shirkaa jaraa’id ka yidhi “Dalka waxa ka jirta doorasho, laakiin doorashadaasi waa mid aad u kulul oo dadkii dhego barjaysay, culuysna ina dulsaartay, sidaa awgeed mar hadii ay dooorashadu sidaa u kulushahay waxa iska dhici karta inay wax ka dhashaan, shayga loo baqayaana waa nabadgelyada, nabadgelyadana waynu garanaynaa sida ay ku timi iyo lugaha ay ku taagan tahay, waayo ma aha nabadgelyo si macno leh oo xeel dheer loo ilaalinayo, waxayse ku taagan tahay xanuunkii laga soo maray nabadgelyo la’aanta , waxayna dhibaatadii dhacday dadka ku khasabtay inay ka dhego-adaygaan belaayada, markaa nabadgelyadaa lugaha jilicsan ku taagani hadii ay gacanta ka baxdo la garran maayo ilaa halka ay soconayso nabadgelyo la’aanta timadaa, laakiin waxa ugu dhowi waa in laga hortago nabadgelyo xumo timaadda, waayo hadii ay wax dhacaan cid ka daba tegaysaa ma jirto.”

Sh. Ismaaciil oo isna guddiga ka mid ah ayaa yidhi, “Doorashadu waa inay noqotaa mid si nabadgelyo ah u dhacda si ay taasi u dhacdana waa in nidaamka doorashada la ilaaliyaan inta doorashada lagu jiro, waxaana xisbiyada iyo ragga loolamaya waxaan u soo jeedinayaa kelmad, kelmadaas oo ah inay xaq dhawraan rabitaanka shacbiga iyo inay qiimeeyaan qaynuunka doorashooyinka, isla markaana ay qiimeeyaan maragfurka goob-joogayaasha, waxa kale oo aan xusuusinayaa ragga tartamaya inay oofiyaan ballamadii ay qaadeen oo ah inay ku kalsoonaanayaan wixii ka soo baxa codka bulshada iyo inay rabitaanka bulshada, waxa kale oo aan guddiga sare iyo kuwa gobolada iyo degmooyinka xusuusinayaa inay ilaaliyaan masuuliyadda saarran, taas oo aanu leenahay waxaad dhabarka ku qaadeen masuuliyad aad u weyn, tartanka doorashada ee dhacayana idinka ayaa garsoorayaal ka ah. Waxa kale oo xaaraan ah oo reebban inuu qofku laba goor codeeyo.”

Professor Saleebaan Axmed Guuleed ayaa isna halkaa ka hadlay, wuxuuna ugu horayn ka sheekeeyey sooyaalkii taariikheed ee ay soo martay jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan intii lagu dhawaaqay la soo noqoshada madax banaanida sannadkii 1991-kii, isla markaana waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka ay doorashooyinku leeyihiin, isaga oo tusaalooyin u soo qaatay dalal dhawr ah oo ay doorashooyinku qalalaase geliyeen, sidaa awgeed waxa uu dadka reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgelyada ilaaliyaan. “Qofku hadii uu sharciga ilaaliyo xuquuqdii qofka wuu ilaaliyey”ayuu yidhi Professor Saleebaan, wuxuuna intaa ku daray; “Xisbiyada Siyaasadda iyo musharaxiintooda waxaanu ugu baaqaynaa in ay ku dhaqmaan shuruucda heshiisyada iyo anshaxa wanaagsan, waayo, xilka ay qaban doonaan astaantiisu waa waxa ay maanta muujiyaan, waayo? Nin raba inuu ummaddan hogaamiyaa, waa inuu dariiqa fiican soo maraa, si hufana u soo maraa, balse dadka xil uma qaban karo nin inta uu nidaamka ku galgasho haddana yidhaahda kursi baan rabaa, dawladdana waxaanu ugu baaqaynaa in ay abuurto jawi munaasib ku ah doorashada, sida shuruucda oo ay dhawrto, nabadgelyada oo ay adkeeyaan, saxaafadana waxaanu ugu baaqaynaa inay wax u qoraan si macno leh, waxaana odhan lahaa inaynu mar kale caalamka u muujino inaynu nahay dawlad bisil, tartankanina waa tartan sokeeye kii badiyaaba waa bahdeena”.

Abwaan Gaariye ayaa isna halkaa ka hadlay , waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Maanta dooni baynu ku wada jirnaa markaa ninkii is yidhaahda dalooliyow dee adiga ayey kula degaysaa ee ogow”.

Top


Gaadhi Dameer-Layaal Iyo Gaadiidley Reer Burco Ah Oo Isu Soo Bax Ku Taageeray KULMIYE.

Burco (Haatuf): Gaadhi Dameero iyo baabuur kale oo kuwa xamuulka ah oo tiro badan ayaa shalay isu soo bax ka sameeyey, iyaga oo sheegay inuu isu soo baxoodu ku saabsan taageero ay u muujinayaan xisbiga KULMIYE.

Sida uu ku soo waramay Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsani waxay baabuurtan iyo gaadhi dameeradani markii ay magaalada ku soo wareegeen ka dib isugu tageen garoonka kubadda cagta, halkaasna waxa kula hadlay qaar ka tirsan hawl-wadeenada xisbiga KULMIYE, gaar ahaan raggii soo abaabulay isu soo baxan, waxaana dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa Yaasiin Xasan oo yidhi, "Sida wanaagsan ee aynu isu soo abaabulay ayaa laynaga rabaa inaynu codkana u bixino oo u siino kulmiye".

Sidoo waxa kale isna goor dambe garoonka ay kooxahani isugu soo baxeen yimi Maxamed Yuusuf Liibaan oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, wuxuuna kooxaha gaadiidleyda ee isu soo baxay ku guubaabiyey inay nabadgelyada ilaaliyaan.

Isu soo baxa noocan kale ahi waxa uu ahaa mid aanu noociisu hore magaalada uga dhicin waxay kooxaha isu soo baxay sheegeen inay go’aansadeen inay hal maalin shaqada joojiyaan oo ay sameeyaan isu soo bax ay ku muujinayaan taageerada ay xisbiga kulmiye.

Top


Burco: Khudbadaha Kheyriyadda, Loolanka Adag Iyo Duruufaha Yaal.

Burco (Haatuf): Madaxweyne-kuxigeenka Somaliland, isla markaana ah gudoomiye-ku-xigeenka xisbiga UDUB iyo weliba musharaxa UDUB, mudane Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa doraad fagaaraha khayriyadda Burco kala hadlay dadka reer Burco, wuxuuna ka hadlay arimaha doorashada madaxtooyada ee foodda inagu soo haysa, isaga oo dadweynaha reer Burco ka codsaday inay codkooda siiyaan.

Madaxweyne-kuxigeenka waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Wadanku wuxuu hadda xornimadiisa haystay 12 sannadood, labadii sannadood ee hore waxa talada hayey raggii soo halgamay, sagaal sannadood iyo dhawr bilood-na waxa hayey Ina Cigaal alla ha u naxariistee, anaguna hadda sagaal bilood ayaanu joognay, markaa hadii laydin odhan lahaa maamulka wax baa ka weecsan waxaan idiin sheegayaa raggii weligood ku soo jiray maamulka waa musharaxiinta maanta nala tartamaya ee yaan been laydiin sheegin, waayo maamulka Somaliland hadii uu wanaag lahaa iyo hadii dhaliil lahaa intii jirayba way ku jireen ee taa hala ogaado”ayuu yidhi madaxweyne-kuxigeenku, isaga oo dadka reer Burco uga mahad naqay sidii wanaagsanayd ee ay u soo dhoweeyeen.

Waxa kale oo isna fagaarahaa ka hadlay gudoomiyihii ururkii ASAD, Saleebaan Maxamud Aadan (Saleebaan-gaal), waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Saddex arimood ayaa ina haysta, kuwaas oo kala ah dadka harraadan oo loo gurmado, nabadda oo la dhawro iyo doorashada oo uu israaceenu ku xidhan yahay, loona baahan yahay inaynu si haboon u codayno”, laakiin Saleebaan-gaal waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay “Xisbigan UDUB waxa uu ka kooban yahay reer Somaliland oo dhan, doorashadana ka ku guulaysta waa in la hambalyeeyaa, ka laga guulaystay iyo ka guulaystana Qaranka way wada leeyihiin.”

Hase yeeshee magaalada Burco waxa ka socda olole xooggan oo ay xisbiyada siyaasaddu ku kala jiidanayaan taageerada dadka, taas oo uu xisbi waliba dhinaciisa u xusul-duubban yahay inuu ku guulaysto doorashada, iyadoo ay muddo laba maalmood ah inaga xigto maalintii loo dareeri lahaa doorashada madaxtooyada Somaliland, waxaana hadda gobolada iyo degmooyinka ku kala filiqsan wufuud ka kala socda saddexda xisbi ee tartamaya UCID, UDUB iyo KULMIYE, kuwaas oo ku mashquulsan ololaha doorashada, laakiin sida uu ku waramay weriye Liibaan Maaweel shire oo Haatuf ka tirsan oo socdaal hal maalin ah ku tegay magaalada Burco, hadana ku sugan Hargeysa marka la eego gobolka togdheer, gaar ahaan xaruntiisa Burco loollanka ugu xooggani waxa uu ka dhextaagan yahay labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE.

Wefti ka kooban koox wasiiro ah ayaa hadda in muddo ah socdaal ku joogay magaalada Burco, kuwaas oo socdaalo ku soo maray meelo kale oo gobolka Togdheer ka mid ah, waxayna wasiiradaasi ku jiraan olole ay taageero ugu raadinayaan musharaxiinta xisbiga UDUB oo ah madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, iyadoo ay wasiiradaasi dhalasho ahaan ka soo jeedaan gobolka Togdheer.

Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) oo ay isaga iyo raggii ASAD ee uu hogaaminayey xisbiga UDUB ku biireen iyo kooxo uu hogaaminayo ayaa iyaguna olole ay taageero ugu raadinayaan musharaxiinta xisbiga UDUB, sidoo kale waxa iyaguna toddobaadkan magaalada Burco gaadhay wefti uu hogaaminayo xoghayaha guud ee xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale, kuwaas oo iyaguna halkaa ka bilaabay olole la xidhiidha doorashada.

Dhinaca kalena waxa toddobaadkan socdaal ku tegay magaalada Burco wefti uu hogaaminayo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo ah musharaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE, waxayna Axmed Siilaanyo iyo xubno oo xisbigiisa ka tirsan Salaasadii doraad tii ka horaysay dadka reer Burco kala hadleen fagaaraha Khayriyadda magaalada Burco, laakiin marka laga hadlayo xisbiga KULMIE weftiga Axmed Siilaanyo ka sokow waxa kale oo iyaguna magaalada Burco ku sugan rag ay ka mid yihiin Maxamed Kaahin oo hore uga tirsanaa ururkii ASAD, balse ka mid ahaa garabkii ku biiray KULMIYE, waxa kale oo ragga KULMIYE u ololaynaya ee magaalada Burco ku sugan ka mid ah Dr. Cabdi Aw-Daahir.

Ka sokow khud-badaha fagaarayaasha waxa kale oo magaalada Burco ka socda shirar-doceedyo ay wadaan siyaasiyiinta kala xisbiga ah ee Burco ku sugani, kuwaas oo shirar gaar gaar ah la yeelanaya beelaha iyo ardaayada reer Burco. Sidoo kale waxa magaalada ka baxaysa qaylo badan, taas oo aad suuqyada magaalada ku arkayso gawaadhi lagu rakibay samaacado iyo baabuur ay dheegagga ka yaaliin calaamado xisbi, iyadoo ay makarafoonada baabuurta saarran ka baxayaan heeso iyo halku-dhegyo ka turjumaya ololaha xisbiga. Hase yeeshee marka la isku xooriyo waxa magaalada Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheer ka socda olole aad xaammi u ah.

Dhinaca kalena waxa gobolka ka jirta abbaar ba’an, waxayna xoolaha iyo dadkuba ku sugan yihiin xaalad nololeed oo halis ah, iyadoo ay xoolaha isu raaceen kaliil, xaaluf iyo biyo la’aan, laakiin ilaa hadda lama sheegin wax gurmad ah oo loo fidiyey hadii ay dhinaca maamulka dawladda tahay iyo hadii ay cid kale tahay toona, waxaadna moodaa inay maamulayaasha dawladda iyo cid waliba tahay ololaha doorashada.

ku mashquulsantahay ololaha doorashada.

Top


“Wasiiraddii La Magacaabay Lacagta Ha iska Qaateen, Sool iyo Buuhoodle Doorasho Kama Dhacaysee” Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay Kheyriyadda Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf) Xisbiga caddaaladda iyo daryeelka (UCID) oo ka mid ah saddexda xisbi ee ku tartamaya doorashooyinka madaxtinimada dalka oo maalinta isniinta ee 14-ka April dalka ka dhici doonta ayaa maalintii shalay isu soo bax balaadhan ku qabtay fagaaraha kheyriyadda Hargeysa.

Isu soo baxan oo ah kii ugu dambeeyey ee uu xisbiga UCID ku qabto Hargeysa waxa khudbado ka jeediyey masuuliyiinta xisbiga UCID qaar ka mid ah iyo musharaxa madaxtinimada ee xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka waramay socdaalkii u dhawaanahan ku soo maray gobolada bariga Somaliland, marxaladda doorashada fooda inagu soo haysa iyo qorshihiisa ku Aadan wax u qabadka dalka hadii uu ku guulaysto doorashada madaxtinimada ee fooda inagu soo haysa.

Isaga oo ugu horeyn Faysal Cali Waraabe ka hadlaya wixii uu ku soo arkay gobolada bariga ee uu dhawaan soo maray waxa uu sheegay inuu dhulkaa ku soo arkay abaar ba’an oo ka taagan, taasoo aanay cidina waxba uga qaban, “Waxaan soo arkay dad dhibaataysan oo abaari hayso, 13-kaa sanadood ee ay Somaliland jirtayna aan calanka mooyee wax kale arag, waalalayaal waxaad ku ducaysataan dadkii 13-kaa sanadood xukunka hayey inaan Ilaahay idinku soo celin” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe isaga oo masuuliyiinta dalka ku cambaareeyey sida aanay waxba ugu qaban dadka abaaruhu ku dhufteen.

Waxa kale oo uu Faysal Cali Waraabe intaa ku daray in ay gobolada bariga ka jirto jabhad uu leeyahay C/laahi Yuusuf oo khatar ku haysa amaanka dalka. “C/laahi Yuusuf wuxuu u soo sameeyey jabhad waxay inoo fadhidaa meesha Guumays la yidhaa, sidaa darteed doorasho kama suurto galayso, Laas-caanood, Taleex, Xudun, iyo Buuhoodle, doorashadana waxba yeeli mayso markaa waxaanu leenahay sanduuq yaan la geyn, wasiiradii la sameeyeyna waxaan leeyahay lacagta iska qaata, balse doorasho dhulkaa ka dhici mayso” ayuu yidhi Faysal isaga intaa ku daray in loo baahanyahay sidii loo dhisi lahaa ciidamada dalka si ay dalka u difaacaan, taasoo uu ku balan qaaday inuu dib u dhis ku samayn doono.

Faysal Cali Waraabe waxa uu ku eedeeyey wasaaradda arrimaha gudaha inaanay dalka waxba ka ogayn.

“Wasaaradda arrimaha guduhu maxay qabataa dawladnimadu waxay ka jirtaa Hargeysa oo afarta xafiis lagtu qayilo, maanta iyada oo abaaro jiraana ayey dadka u geynayaan qaad uma baahna dadku ee waxay u baahanyihiin biyo, dhakhtar, waxay cunaan iyo daryeel,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Mar uu ka hadlayey labada xisbi ee kale waxa uu sheegay inay isbedeeen oo aanay ahayn sidii hore “UDUB maaha kii uu ka tagay marxuum Cigaal, ee waa UDUB Cartaysan oo musuqmaasuq ah, KULMIYE-na maaha kii hore ee Siilaanyo horkacayey, waa KULMIYE waji kale leh, midkoodna dalka ma badbaadin karo ee UCID baa badbaadin kara” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Ugu dambayna waxa munaasibadaa isu soo baxa ka hadlay masuuliyiin ka tirsan xisbigaasi oo ay ka mid yihiin C/Samad oo ah xoghayaha abaabulka, Khadar Maxamed Yuusuf oo ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada iyo masuuliyiin kale.

Ka horna waxa isu soo baxaa lagu soo bandhigay ciyaaro iyo heeso ka turjumayey xisbiga UCID iyo wacyigelin ku waajahan sidii ay dadku codkooda u siin lahaayeen xisbiga UCID.

Top


Jilbo-dhiig.

Biixi waxa uu habeen-ba reer u sii hoydo oo silic iyo saxariir-ba la soo kulmo laba bilood ka dib ayuu soo gaadhay degaan meel dhexe ah oo aan xagii uu u socday iyo xagii uu ka yimi midna u dhowayn, wuxuuna yimi meel tuulo ah, laakiin tuuladaa wuxuu kula kulmay nin ay beri hore saaxiib ahaayeen, ninkaas oo tuullada deganaa way is garteen, balse Biixi waxa uu ahaa nin aad u diifaysan oo dhibaato badan kala soo kulmay socdaalkii dheeraa ee uu soo galay, iyadoo ay Biixi dhibaatadii lugtu gaadhsiisay heer aanu dhegaha aad waxba uga maqlayn, indhahana aragoodu liito oo ay wax waliba himbiriirsi ku yihiin, waayo wuxuu la soo kulmay harraad iyo gaajo, dhaxan iyo dib-jirsiimo badan, lug iyo nasaho la’aan, dabadeedna ninkii saaxiibkii ahaa markii uu Biixi gartay ayuu yaabay oo is yidhi waar tolow maxaa ninkii helay, ka dibna gurmad degdeg ah ayuu u fidiyey, wuxuuna ku dedaalay sidii uga reebi lahaa dayaca iyo darxumada oogadiisa ka muuqda, ka dibna Biixi tuuladaa ayuu nasaho dheer ku qaatay, halkaas oo uu ninkii saaxiibkii ku baantay oo uu nolosha dib ugu soo celiyey.Hase yeeshee muddo ka dib ayuu tuuladii ka yimi isaga oo markaa isbedelay oo dadka u eg, sidaa darteed ninkii Biixi saaxiibkii waxa uu soo jeediyey inuu Biixi dib ugu noqdo magaaladii uu ka yimi ee Muqdisho, taasna wuu yeelay Biixi, ka dibna way is raaceen Biixi iyo saaxiibkii oo waxay qabteen magaaladii uu Biixi ka yimi ee Muqdisho, dabadeedna Biixi markii uu magaaladii yimi waxa markiiba loogu bishaareeyey inay gabadhii Xayaad madax banaan tahay, iyadoo looga waramay maqaadiirtii weynayd ee Xayaad ku dhacday iyo geeridii ku timi, taasina waxoogaa nayaayiro ah ayey Biixi dareenkiisa ku abuurtay.

Laakiin gabadhii Xayaad waxay noqotay sariir-jiif aan jiidh iyo jibaadh toona lahayn oo qori qalalan ah, balse habar dhaliwayday aleelo ku waalataye Siraad oo ahayd Xayaad hooyadeed ayaa wixii fooxiso iyo faaliye carrada joogay maalin-ba mid u yeedhay, wixii dhakhtar adduunka joogayna mid aan lagula daaline ma jiro, iyadoo hooyo geed dheer iyo geed gaaban-ba u fooshay sidii ay mar uun u arki lahayd dhabankii gabadheeda oo sidiisii ku soo noqday, laakiin Xayaad waxba iskama bedelin xaaladeedii, waayo xanuunka Xayaad hayaa ma aha duumo iyo daacuun toona ee waa xanuun nafsaaniya oo ku jira nudaha dareenka ee qalbiga waraabiya.

Biixi inkasta oo uu jeeb madhnaa oo ay waxoogaagii yaraa ka lumen, hadana ayaamihii dambe ma il-xumayn, waayo waxa uu u muuqday nin dhibaatadii nolosha iyo lacag la’aanta la qabsaday, waxoogaa yarna ka soo kabtay diiftii ka soo gaadhay dhinaca Xayaad iyo huqdii ay maalmo naftiisa ku reebtay hantidiisii yarayd ee ka baxday, iyadoo aanay waxba u qabsoomin, waayo markii uu arkay xaaladda ay Xayaad ku sugan tahay, taas oo marka la is barbar dhigo xaaladiisa caafimaaad iyo xaaladeeda caafimaad uu isagu maanta caafimaad dhaamo ayaa waxa u kordhay cimro weyn, wuxuuna ku qancay inay wax waliba qaderka eebe ku xidhan yihiin, isla markaana maadaama aanay ishiisu ku dhicin gabadhii uu maalmo badan u rafaaday ee noloshiisa kala dhantaashay waxoogaa xasilooni ah ayaa naftiisa ku beermay. Hase yeeshee waxa dadkii reer waqooyiga ahaa ee magaaladii Muqdisho ku soo korodhay duruuf kale oo Xayaad iyo Biixi mid walba saamayn ku yeelatay, taas oo ah cabsi soo food saartay dadkii reer waqooyiga ahaa ee Muqdisho deganaa, ka dib markii loo aaneeyey dagaaladii u dhexeeyey jabhadii SNM iyo dawladdii Siyaad Barre, waxaana maalintii dambe dhacday waxyaalo aan la filayn, sida xasuuqyo iyo wax la mid ah, dabadeedna Biixi waxa uu go’aansaday inuu magaaladan iskaga baxo, ka dibna inta uu tabaabushaystay ayuu markiiba xagaa iyo Hargeysa u soo
baqoolay.

La soco cadadka dambe.

Top


Waa Tuma Dawladda Haboon? Qeybta 5aad : Warshadeynta dalka iyo shaqo abuuridda.

Waa Tuma Dawladda Haboon? Qeybta 5aad : Warshadeynta dalka iyo shaqo abuuridda.

Warshaduhu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu waaweyn ee horumarka iyo dhaqaalaha dalka kor u qaada, shaqooyin badana laga abuuro.

Guud ahaan dalka waxa saamaysay shaqo la’aan xoog leh, taasi oo kor u qaaday tirada dadka wax ma haysatada ama saboolka ah ee dawarsada si ay noloshooda u badbaadiyaan.

Haddaba,si wax looga qabto waxa marka hore haboon:

In si cad loo qeexo xuquuqda shaqaalaha (shaqo siinta, habka qofku shaqada kaga tegi karo/lagaga eryi karo iwm), lagana dhigo saacadaha caadiga ah ee nla shaqeeyo sideed (8) saacadood maalintii. Sidoo kalena waa in shaqaaluhu helaan daryeel haboon.

In wasaaradaha waxsoosaarka leh, kuwa ay wada shaqeyntu ka dhexayso (Wasaaradda Qorsheynta & Dib u dejinta, Wasaaradda Ganacsiga & warsahdeynta, Wasaaradda Beeraha & Kheyraadka dabiiciga ah, Wasaaradda Maaliyada, Wasaaradda Macdanta & Biyaha) iyo Baanka qaranku noqdaan kuwo wada shaqeeya, kadib marka iyaga dib u haybayn iyo wax ka bedel lagu sameeyo. Waxa iyana lagama maarmaan ah in la sameeyo Bangi Horumarineed, kaasi oo wax weyn ka taraya kor u qaadida waxsoosaarka dalka.

In dawladu u hawl gasho shaqo abuurka iyo horumarka dalka iyo dadka ee loo baahan yahay.

Dhamaan arrimahani waa kuwo bilow ah una baahan in daraasad lagu sameeyo islamarkaana si dhab ah loogu hawlgalo. Haddaba, haddii aan mid mid u soo qaadano sida ay iskugu xidhmi karaan una wada shaqeyn karaan waa sidan:

I. Wasaaradda Qorsheynta & Dib u dejinta: Doorka ay wasaaraddani ka qaadanaysaa waa mid xidhiidhineed (coordination) iyo isku habayn ah.

II. Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha: Waa in ay samayso, haday jiraana ay hirgeliso, sharciyo u adeega, ilaaliyana warshadaha dalka ka jira sida: Warshada Hilibka, Warshada Kalluunka, Warshada Hargaha & Saamaha, Warshada Masaabiirta iwm. Sidoo kale waa in iyana sharci xadaynaya laga soo saaro warshadaha waxyeelada ku keeni kara deegaanka, sida wasakheynt hawada, biyaha iwm., waxyaabaha dalka dibediisa laga keenaana waa in aanay noqon kuwo dhibaato u keena Deegaanka. Waxa iyana muhiim ah in ay wasaaradu samayso daraasad (visibility studies) warshadaha dalka ku haboon, si ay dadweynuhuna saami uga iibasan karaan.

Haddaba, warshadaha dalka laga hirgelin karo, shaqooyin badana laga abuuri karo waxa ka mid ah: Warshada Sibidhka, Warshada Rinjiga, Warshada Kaluunka, Warshada Milixda, Warshada Tamaandhada iwm.
III. Wasaaradda Beeraha & Kheyraadka dabiiciga ah: In ay wasaaraddu dejiso, haday jiraana hirgeliso, sharci ilaalinaya kheyraadka dabiiciga ah. Waxa iyana lagama maarmaan ah in la sameeyo ciidan (coastal guards) ilaaliya xeebaha iyo baddaha dalkeena oo dhererkoodu yahay 850 Kms, si looga hortago xaalufka iyo wasakheynta ay ku hayaan shirkadaha shisheeyaha ah. Si ay suurtagal ugu noqoto in ay ciiadankani ilaaliyaan badaheena, waa in ay lahaadaan ugu yaraan saddex markab oo yaryar. Tani waxa ay inoo suurto gelineysaa in aynu awood u yeelano ilaalinta xeebaheena, heshiisyana la geli karno shirkadaha badaheena bilaashka uga kaluumeysta, taasi oo lacag adagina inaga soo geli doonto, kheyraadka baddana lagu badbaadin karo.
Haddaba, haddii aynu si kooban uga hadalno, hawlaha ay tahay in wasaaraddani wax ka qabato waxa ay yihiin:

Kaluunka: Si looga faa’iideysto kheyraadka badaheena, dadkana shaqooyin loogu abuuro, waxa lagama maarmaan ah in la qaado talaabooyinkan soosocda:

In la abuuro iskaashatooyin kaluumeysi, lana siiyo tababaro.

In Bangigu siiyo maalgelin (deyn) ay shaqada ku bilaabi karaan.

In la sameeyo goobo kaluunka lagu qaboojiyo, laguna keydiyo
In daraasad lagu sameeyo sidii suuq loogu heli lahaa kheyraadka badaheena.

Beeraha: Dhulka Somaliland ee la beerto waxa lagu qiyaasaa 3%, kaasi oo la gaadhsiin karo in kabadan 10%. Dalagyada dalka laga beertaa waxa ay u badan yihiin kuwo roobka ku baxa (Hadhuudhka, Qamadiga, Arabikhida iwm), inkastoo ay jiraan kuwo aan badnayn oo waraabinta ku baxa, sida Liinta, Tamaandhada, Basasha, Saladhka, Babaayga iwm. Haddaba, si loo horumariyo beeraha, waa:

In la dhiirigeliyo beeraleyda, lana siiyo tababaro la xidhiidha habka wax beerista.

In cashuur dheeraada la saaro waxyaabaha dibeda laga keeno, ee dalkeena laga soo saaro ama laga beero.

In dawladu samayso beer lagu tijaabiyo dalagyada dalka laga beeri karo & sida ugu haboon ee loo beeran karo sida: Bunka, Lawska iwm.

In loo hawlgalo sidii wax looga qaban lahaa biyo yarida haysata beeraleyda.

Xoolaha: Dhaqaalaha dalkeenu 60-70% waxa uu ku xidhanyahay xoolaha nool, sida darteed waa:

In loo hawl galo sidii suuq loogu heli lahaa iibka xoolaheena.

In la kala saaro dhul beereedka iyo ka daaqsinta.

In la sameeyo seerooyin xooluhu daaqaan xilliyada jiilaalka.

In si joogto ah loola socdo caafimaadka xoolaha.

In xoolodhaqatada la siiyo tababaro la xidhiidha caafimaadka xoolaha iyo isticmaalka daawooyinka.

IV. Wasaaradda Macdanta & Biyaha: Marka la eego miisaaniyada 2002 kharashka loogu talo galay wasaaraddan, waxa uu ahaa $50,650 halka uu ka ahaa 2001dii $66,709 waxana halkaa ka muuqata in la dhimay $16,059. Miisaaniyadan kama muuqato barnaamijyo loogu talo galay horumarinta macdanta & biyaha dalka, sida baadhista macdanta iyo gurmadka ceelasha biyaha oo aan wax kharash ah loogu talo gelin. Waxa iyana wax lala yaabo ah in Wasaarada Warfaafinta 2002da loo kordhiyey kharash dhan $55,651 kaasi oo ka badan miisaaniyada loo qorsheeyey Wasaarada Macdanta & Biyaha, iyada oo la gaadhsiiyey misaaniyada 2002da ee Wasaaradda Warfaafinta $171,050 halkii ay ka ahayd 2001da $115,399. Taasi waxa ay ku tusineynasaa in aan wax qorshe ah loogu talo gelin sidii loo horumarin lahaa macdanta iyo biyaha dalkeena.

Biyaha: Roobabka sanadkii da’a waxa lagu qiyaasaa 14.5 inches. Xilliyada ugu badan ee uu roobku da’aa waa dhamaadka Maarso ilaa Sebtembar, waxa iyana jira roobab ka da’a xilliga dayrta dhulka xeebaha ah (janaayo ilaa Maarso).

Biyaha roobka waxa laga faa’iideystaa 20% inta kale ee soo hadhay oo ah 80% waxa ay galaan badda. Sidoo kale biyaha badda galaa waxa ay maydhaan ciidii nnafaqada lahayd.

Haddaba, si biyahaas looga faa’iideysto, loogana hortago nabaad guurka waxa lagama maarmaan ah in biyo xidheeno laga sameeyo meelaha ku habboona, taasi oo looga faa’iideysan karo waraabka xoolaha iyo beerida khudrada. Hirgelinta arrimahan, waa in loo qoondeeyo kharash dhan $1,500,000 sannadkii.

Guud ahaan ceelasha hadda dalka ka shaqeeya waxa ay dhan yihiin 40 ceel (30 ah kuwo riig qoday iyo 10 ceelasha gaa-gaaban ah), waxa iyana jira 9 ceel oo dib u habayn u fadhiya (waxa ku baxaya dayactirkooda kharash dhan $267,000) iyo 34 ceel oo baaba’ay xilliyadii dagaalka (1988-1990) kuwaasi oo ay lagama maarmaan tahay in la qodo bedelkoodii baahida biyahana loo daboolo, waxana ku baxaysa $4,080,000.

Biyaha caasimada ee Hargeysa: Nidaamka loo dejiyey horaantii sideetanadii waxa uu ahaa in uu daboolo baahida 300,000 oo qof, lana soo saaro 4000m3 maalintii. Keydka biyaha loogu talo galay ee dhisani waa 4000m3. Nidaamkii dhisnaa waxa imika ka shaqeeya 60%. Dadka hadda ku nool Hargeysa waxa lagu qiyaasaa 700,000 - 800,000 oo qof, sida dareteed waa in:

Nidaamkii hore la hagaajiyo lana kordhiyo si loo daboolo baahida biyood ee caasimada ka taagan.

Laga sameeyo biyo xidheeno agagaarka ceelasha, si biyaha dhulku kor ugu soo kacaan una kordhaan (to raise water table).

La kordhiyo keydadka biyaha, lana gaadhsiiyo awoodooda ugu yaraan 6000m3.

Hirgelinta mashruuca biyaha Hargeysa waxa ku baxaya kharash dhan $2,500,000.

Macdanta: Si looga faa’iideysto macdanaha dalkeenu leeyahay, dhaqaalaha dalkuna ugu horumaro waxa lagama maarmaan ah in:

Si qoto dheer daraasada loogu smaeeyo macdanta dalka ku jirta
Sharci loo dejiyo, haduu jirana la hirgeliyo, shirkadaha baadhi kara ama dhoofin kara macdanta.

Daraasad lagu sameeyo sidii suuq loogu heli lahaa macdanta dalkeena.

Top


IFTIIINKA ISLAAMKA: AHMIYADDA MASAAJIDADA IYO BAAHIDA LOO QABO DHISMAHOODA.

Masaajidku waa hoy cibaado iyo dugsi waxbarasho oo aanay Muslimiintu ka maarmi karin. Meel kasta oo ay degaanna intaanay wax kaleba u dhaqaaqin, waxa lama huraana inay masaajid ka dhistaan, waayo masaajidku ahmiyad gaar ahaaneed oo aan la qiimayn Karin ayuu nolosha qofka Muslimka ah ku leeyahay. Nebiguna (Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) markuu madiina u haajiray mashruucii u horreeyey ee uu hirgeliyey wuxuu ahaa dhisme masaajid.,iyo muslimiintii uu walaaleeyey,ooahaa muhaajiriintii iyo Anasaara.

Masaajidku wuxuu ahmiyadda ku yeeshay doorka weyn ee uu ka qaato diinta Islaamka, carbinta iyo laylinta qofka Muslimka ah, jamaacada iyo mujtamaca oo dhan. Hooy cibaado ka sokow, masaajidku waa hooy waxbarasho oo lagu barto usuusha Diinta, Caqiidada iyo shareecada. Dadka masaajidka imaatinkiisa qabatimaana waxay markay ku socdaan, dhex joogaan, ama ay ka soo laabtaan, u socda ajar aan la qiyaasi karayn. Waxa kale oo ka dhex abuuranta walaaltinimo iyo xidhiidh sokeeye. Waxay noqdaan qaar iska war haya, dadka kale isaga dhow oo wada tashada, waxna wada qabsada, iscaawiya oo iska warhaya.

Masaajidku waa il ka mid ah ilaha jannada, oo Raxmada Alle ku soo degto, Naxariistiisuna ay hadhayso, habeenkiina nuur ayaa ka baxa malaa'igtu soo eegato. Sidaas darteed masaajidku wuxuu leeyahay qushuuc gooni ah iyo dareen gaar ahaaneed waayo waa meel Ilaahay lagu caabudo. Waanada aad gudihiisa ku maqashaana si gooniya ayey kuu damaqdaa, si dhab ahna raad ayey kuugu yeelataa waayo waa guriggii Ilaahay. Masaajidku waa meel lagu tababaro qofka Muslimka ah, laguna layliyo wacdiga Aayadaha Qur'aanka iyo Axaadiista Rasuulka (Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) Carbiskaasina wuxuu qofka ku hagaa Dariiqa Mustaqiimka ah (toosan). Wuxuu noqdaa fuliyaha amarada Ilaahay, kana waantoobaa denbiyada la inooga digay ee inaga reebban.

Halkaasna waxa ka abuurma qof si dhaba diinta ugu dhaqma. Wuxuuna noqdaa mid hagaaga. Hadii qofqof loo hagaagana, waxaa iyana hagaagta jamaacada meesha ku wada tukata oo dhan. Hadday jamaacadu hagaagtana waxaa hagaaga mujtamaca guud oo isna qabatima Islaanimada. Waa wax isku wada xidhan. Haddaan aasaaska la toosinna, baarka sare lama toosin karo. Wakhtigii Nebigana (Nabad-gelyo iyo Naxariisi Korkiisa Ha Ahaato). Wuxuu masaajidku ahaa xarunta nolosha Muslimiinta laga maamulo. Wuxuu ahaa goobta ay dacwaddu ka bilaabmato, Xarrunta Guud ee ciidamada laga kala diro, hogaamiyayaashana lagu magacaabo, Maxkamada dadka lagu gar-naqo, xarunta zekada lagu qaybiyo, iyo waliba hooyga saboolka saxaabada iyo dadka socdaalka ah.

Sida xaqiiqadu tahayna masaajidku wuxuu si wax ku ool ah u raadeeyaa nolosha qofka Muslimka ah. Waayo qofka masaajidka qabatimaa waxa uu badsadaa dhegaysiga khudbadaha Jimcayaasha iyo muxaadarooyinka diiniga ah. Wuxuuna noqdaa qof uu wacyigiisa diineed kor u qaadmo, Iimaankiisuna uu xoogaysto. Wuxuu noqdaa Muslim dhab ah oo u dhaqma sidii Ilaahay iyo Nebigiisu (Nabad-gelyo iyo Naxariisi Korkiisa Ha Ahaato) ay fareen. Qofka masaajidka tegidiisa badsadana waxa gala dareen ah inuu Ilaahay ku xidhan yahay, maganna u yahay. Qof Ilaahay ku xidhani nasiib badanaa!!

Masaajidku door xasaasi ah ayuu ka qaataa hagidda iyo toosinta Muslimiinta. Waayo maalin kasta shan goor ayaa laga eedaamaa, shan salaadoodna waa lagu tukadaa. Toddobaad kastana khudbada Jimceed ayaa ka baxda. Sidaa awgeedna,masaajidka dadka ayaa lagu baraarujiyaa oo tegiddiisa lagama maarmikaro. Dhamaan Muslimiinta waxa waajib ku ah inay meel kasta ka dhistaan masaajiddo ay Ilaahay ku caabudaan, Diintana ay ku bartaan. Hoyga cibaado kasokowna waxay u baahan yihiin goob ay ka duulaan oo ay dacwadda kagaadhsiiyaan dadka aan Muslimka ahayd oo ay waajib inagu tahay inaynu gaadhsiino diinta Islaamka.

Hadaba dadweynha soomaalida waxaan ku boorinayaa inay ka qayb qaataan dhismaha masaajida. Deeqday bixiyaan waxay u noqonaysaa sadaqa ajarkeedu u socondoonto ilaa maalinta qiyaame. Waxaa suura gal ah in qofka maanta ka faa'iidayta fursadan oo wax u bixiya in Ilaahay u labanlaabi doono, todoba boqol oo jeer ama ka badan (Ilaah idankiis). Waayo lacagta ayuu waayi ama qof uusiiyo ayuu waayi ama waa uu ka dhiman. Alle (Subxaanahu Wa Tacaalaa) waxa uu yidhi: kuwa iimaanka laga helayow wax bixiya waxaan idinku arsaaqay qaarkood ka hor intaanay iman maalinta (Qiyaamaha) aanay gudaheeda jirin wax la kala iibsado, saaxiibtinimo iyo isu-shafeeco qaadis (midna) {Al-Baqarah:254}.

Cusmaan bin Cafaan(Irhka) wuxuu soo weriyey inuu Nebiga(Nabad-gelyo iyo Naxariis Korkiisa Ha Ahaato) yidhi: qofka masaajid dhisaa , Ilaahay ayaa janada guri uga dhisa.

Allah (SW) wuxuu qur'aanka inoogu sheegay in "kuwa xaqa rumeeyey ee camalka fiican fala inuu dhaxalsiin doono dhulka siduu u dhaxal-siiyey kuwii ka horeeyey; wuxuuna makanin Diintooda uu uga raali noqday; cabsiday ku noolaan jireenna wuxuuna ugu beddeli doonaa nabadgelyo; keligay ayay i caabudi doonaan cidna (caabudaadda) ilama wadaajinayaan" {An-Nuur:55}.

Salaadaha Tadawuca ah:

sharciga salaadahaTadawuca ah:

tadawucu waa salaadaha aan waajibka aheyn ee sunaha ah. Taddawacu wuxuu dhammaystiraa gefka (nuqsaanta) salaada faradka ah, salaadda waxa ku jira fadli aan laga heli Karin cibaadoyinkakale, abii hurayra (irhkn)waxa laga soo weriyay inuu rasuulku (nkha)yidhi: waxa ugu horreeya ee dadka maalinta qiyaamaha lagu xisaabinayaa waa saadda ilaahay isagoo og ayuu malaa’iigtiisa ku odhanayaa eega salaadda adoonkayga, ma dhammaystiray mise muu dhammaystirin? hadday dhammsysitranto waxa loo qorayaa iyadoo dhan. Hadday wax ka dhinmaanna wuxuuilaahay odhanayaa eega inuu adoonkaygu tadawuc sameeyay hadii uu adoonku tadawuc sameeyay uga buuriya wixii salaadda farad ka ah ka dhiman tadawuca, hadba sida salaadda adoonku noqoto ayaa camlkiisa kale oo dhan loo xisaabinayaa (waxa weriyay abuu daa’uud) abii-umaamah waxa isna laga soo weriayay inuu rasuulku (nnkha) yidhi: dhammaaaan camalka addoomihiisa wuxu ale ugu dhegaysi badan yahay laba rakcadood oo tadawuc ah khayrkuna madaxa addoonka korkiisuu usoo degaa inta uu salaadda ku firo (waxa weriyay axmed at-tarmidi iyo as-sayuudi oo yidhi waa saxiix). Imaam maalik isagoo tadawuca kaga hadlaya kitaabkisa al-muwada’wuxuu isna yidhi: waxa isoo gaadhay inuu nebigu (nnkha) yidhi dariiqa toosan raaca, lagana yaabee inaydaan Karin, waxaad ogaataana inay salaaddu camalkiina oo dhan ugu khayr badantay, weysadana inuu mu’minka oo keliyi xafido (muslim ayaa weriyay).
Waxa Fadlibadan Tadawuca Guriga Lagu Tukado.

Imaamu axmad iyo muslim waxay jaabir ka soo weriyeen inuu nebigu (nnkha) yidhi: haddii uu qof idinka mid ihi salaadda ku tukado masjidka waa inuu salaaddisa qayb ka mid ah u reebo gurigiisa. Waayo salaadda uu qofku gurigiisa u reebo wuxuu alle uga yeelaa khayr imaam axmad wuxuu cumar ka soo weriyay inuu rasuulku (nnkha) yidhi: salaadda tadawuca ah e qofku gurigiisa ku tukadaa waa nuur, kolkaa qofkii rabaa ha ku nuuriyo gurigiisa. Cabdulaahi ibnu cumar isna waxa laga soo weriyay inuu rasuulku (nnkha) yidhi: salaaddina qayb ka mis ah ku tukada guriyihiina, hana ka dhigina guryihiina qubuuro (waxa weriyay axmad iyo abuu daa’uud) sidoo kale, wuxuu abuu daa’uud kaga soo weriyay snad saiix ah Zayd bin thaabit inuu nebiga (nnkha) yidhi: salaada uu qofku ku tukado gurigiisu way ka fadli badan tahay midda uu ku tukado masjidkaygan marka laga reebo salaadaha faralka ah (sidaas darted salaaddii aan farad ahayn waxa fadli badan in guriga lagu tukado).

Axaadiista aan kor ku sheeganay waxay ina tusayaan inay mustaxab tahay in salaada tadaawuca ah lagu tukado guriyaha, iyo in salaada tadawuca ah ee guriga lagu tukadaa ay ka fadli badan tahay midda masjidka lagu tukado. Imaam an-nawawi wusuu yishi: sababtu waxay tahay salaadda guriga lagu tukadaa way ka fogtahay istusnimo (ama faan) iyo waxyaabaha hoos u dhiga camalka wanaagsan, guriga salaadaha tadawuca ah lagu tukadna raxmadda eebbe iyo mall’iigta ayaa ku soo degta, shaydaankuna wuu ka fogaadaa ( uma soo showaado).

Fadliga Dheeraynta Tadawuca Iyo Badinta Sujuuda
Way jamaacaddu muqiirah ibnu shucbah ka so weriyeeen abuu daa’uud mooyee inuu iydhi: markuu rasuulku (nnkha) taddawuca tukanayo wuu dheerayn jiray ilaa luguhu (kubabka iyo bowdyuhu) bararaan. Kolkii la weydiiyayna? Wuxuu rasuulku (nnkha) yidhi miyaanay ahayn inaan noqodo adoon ilaahissa u mahad celiya.

Fadhiga Malaagu Tukankaraa?

Qof salad tadawuc ah tukanaya waxa u banaan in uu fadhiga ku tukado isaga oo awoodi kara in uu sarajoog ku tukado, waxa sidoo kale inoo banaan in qayb kamid ah sarajoog lagu tukado qaybta kalena fadhi.
Rakcad keliya gudaheed ayuu qofku badhna sarajoog ku tukan karaa badhna fadhi. Fadhi iyo sarajoog kolba ka uu doono ayuu qofku horeysiin karaa iyada oo aaney karaahiyo ku jirin. Qofka tadawuca tukanayaa sida uu doono ayuu u fadhiisan karaa. Hase yeeshee waxa fadli badan in loo fadhiisto lugaha oo isdhaafsan (tarabuc, ama lugo isweydaarsi), imaam muslim waxa uu ka soo weriyay calqamah in uu casha (irhka), waydiiyay habka uu rasuulku (nnkha) tadawuca u tukan jiray isaga oo fadhiya? Waxay tidhi: { qur,aankuu akhriyi jiray isaga oo fadhiya, kolkuu rabo in uu rakuucona inta uu istaago ayuu rakuuci jiray.} sidoo kale, casha(irhka) waxa laga soo weriyay inay tidhi: (maan arag rasuulka Alle (nnkha) oo qur,aanka salaada habeenkii fadhi ku akhriyaya intaanu gaboobin ka hor.

Kolkuu gaboobayse fadhiguu ku akhriyi jiray, kolkay sodan ama afartan aayadood u hadhsan yihiinna inta uu kaco ayuu sarajoog ku dhamayn jiray kabacdina wuu rukuuci jiray ( Axmed iyo Axsabu sunanka).
Qaybaha Tadawuca:

waxa jira laba nooc ah:

(1)Tadawuc guud (Mudliq) oo ah mid aan tirada ragcaduhu xadidnayn .
(2)Tadawuc xadidan ah (Muqayad) oo ah mid ay ragcaduhu xadidanyihiin:
1)Tadawuc guud (Mudliq) wuxuu ku kooban yahay kolba inta uu qofku niyeeyo.Imaam An Nawawi wuxuu yidhi : Hadii uu qofku goosto inuu salad tadawuc ah tukado oo aanu tiro go’an niyeeyin wax u banana inuu salaamu naqsado xataa markuu ragcad kali ah tukado, haduu rabana wuu kordhin karaa laba, sadex, boqol ama kun ragcadood iyo wixii la mida hadii uu qafku tukado isaga oo garan karayn tirada ragcadood ee uu tukaday dabeetana salaama naqsado salaadiisu waa sax sida ay culamadu isu waafaqeen ee uu imaamu Shaafici sheegay. AL-bayhaqii wuxuu sheegay inuu Abaa-darr tukaday ragcado faro badan dabadeetan salaamo naqsaday.kolkaasuu al axnaf binu qees ku yidhi: miyaad ogtahay inaad shafci ku salaamo naqsatay (tiro dhaban ah) iyo in aad witir (tiro kinsi ah )ku salaamo naqsatay? Abaa-darr waxa uu ugu jawaabay: haddii aanan garan Karin inta aan anigu tukaday ilaahay baa garanaya. Waxaan maqlay khaliilkay (saaxiibkay) abul-qaasim (irhka) oo leh, kolkaasuu ilmeeyay abaa-darr oo haddana yidhi: waxa aan maqlay khaliilkay abul-qaasim oo leh { sujuudii uu adoonkii alle u sujuudaba, wuxuu ilaahay qofkaa kor ugu qaadaa darajo, gef uu falayna wuu kaga dhaafaa.} ( Addaaramiyi ayaa si saxiix ah ugu soo weriyay masnadkiisa, inkastuu sannadka xadiiska ku jirro nin cadaaladiisa la isku khilaafay).

2) Tadawuca gaarka ahi (muqayad) waxa uu ka koobmaa sunnayaasha raatibta ah ee la raaciyo salaadaha faralka ah ee leh rakcado go,an, sida sunnaha salaada fajarka (waaberi ama subaxa) duhurka, casarka, maqribka, iyo cishaa'iga.

Maxamed Case.

Top


Garta Xeer-Beegti, Garta dhaqanka iyo xeerarka Somalida.

Madaacalaygu dacwadiisu waa mid uu isku difaacayo, wuxuuna ku sheeganayaa sida aan waxba loogu lahayn, isla markaana waxa uu ku dacwiyayaa in waxa lagu haysto uu isagu leeyahay, sidoo kale waxa uu dacwadiisa ka mid ah inuu duro oo uu gaashaanka u daruuro wixii uu muducigu ku hadlay, wuxuuna inta badan istcimaalaa ereyo ay ka mid yihiin, "Markhaatigii u fadhiyayow ka kac". , laakiin inay caynkaas iyo caynkaas tahay madacaalay baan ahay qordis iyo rugteedna waan ka fadhiyaa, "Hebel waxaa laguma qordiyo", taas oo uu ula jeedo marka ay gartu ambadeeda gaadho wixii uu madaacale jid u yeellan jiray ayaan diyaar u ahay. Tusaale ahaan nin baa nin kale saacad ka qaatay, iyadoo ay cidi la joogto (markhaati la joogo), ka dibna maalin dambe ayuu ninkii saacadda qaatay u celiyey ninkii saacadda lahaa, wuxuuna u dhiibay iyadoo aanay cidi la joogin oo ay labadooda oo qudha yihiin, dabadeedna ninkii saacadiisa loo celiyey ayaa yidhi ninkaa hebel saacad buu iga qaatay iimana soo celin, ka dibna gar baa loo qaaday, markaas ayuu ninkii muduciga ahaa yidhi "Inuu ninkaa hebel saacadaydii iga qaatay muduci baan ahay, markhaati iga furtana waan u haystaa, mar hadii ay caynkaa tahay ninkaa saacadaydii ayaan ka doonayaa rug muducina waan ka fadhiyaa", dabadeedna ninkii muducaalayga ahaa ayaa odhanaya "Inaan saacadaa qaatay markhaatigii u fadhiyayow ka kac, milladina iiguma timaado, inaanse u celiyey madaacalay baan ka ahay, qordi iyo rugteedana waan ka fadhiyaa", madacaaluhu waxa uu caynkaas u leeyahay hadii uu muduciga markhaatigu u furo, madaacalayguna markhaari waayo waxay noqonaysaa saacadii iska bixi oo milladi meesha iman mayso, markaa waa inuu xiribta (farsamadaa) sameeyaa madaacaluhu, hadii kale isagaa saacadii lagu leeyahay.

Hadaba waa maxay xiribi, ereyga xirib waxa laga soo dheegtay masalan hadii uu isha saxar kaaga dhaco waxa laga yaabaa inuu qarsoomo oo uu xiribta hoosteeda galo, halkaasna ku qarsoomo, taas darteed xiribtu waa tab qarsoon, laakiin xiribtu waxay noqotaa mid wanaagsan iyo mid dhinaca xun loo dhigo, tusaale ahaan marka xiribta wanaagsan laga hadlayo waxa ka mid ah, masalan nin baa waxa u soo hoyday 4 nin oo ay tol yihiin, abtirsiimo ahaan u siman, laakiin mid ka mid ah saddexdaa nin ayuu jecel yahay oo beerka kaga yaal, dabadeedna markii uu shaahii u soo kariyey ayaa ninkii uu jeclaa mooyee saddexdii kale waxa uu shaahii ugu soo shubay bakeeriyo, balse ninkii uu jeclaa intuu madiibad caano badan ku soo shubay ayuu yidhi waar reerku bakeeri afraad ma lahe madiibadaa adigu shaaha ku cab.

Waxa kale oo xiribta wanaagsan ka mid ah, masalan nin ay martiyi u soo hoyatay oo neef u qalay, dabadeedna isaga oo hilibkii googoynaya is yidhi xaasku yaanay kaa qadin, ka dibna intuu cad weyn gooyey oo uu ciidda ku riday yidhi naa kaa ciidda ku dhacay adigu qaado, laakiin nin gabadhu uu qabo laga fiican yahay oo ay yara doqontay ayaa beri odaygeedu markii uu sidaas oo kale ku yidhi naa cadkaa ciidda ku dhacay adigu qaado ay ku tidhi maxaan ku falaa cadka ciidda ku dhacay, dabadeedna wuxuu taa kaga jawaabay "Doqoni seeftii caro loogu riday sed-bursiinyo ma moodo".

La soco cadadka dambe.

Top