Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 310 April 14, 2003

Guddiga doorashooyinka Qaranka Oo Xisbiyada Iyo Dadweynaha Ugu baaqay ilaalinta nabadda iyo nidaamka Doorashada.

Dadka reer Somaliland oo maanta narkii u horeysay taarikhda u dareeray Cod-bixinta Doorashada Madaxtinimada.

Guddi culimada’udiin Ah Oo Ku Baaqay In Doorashadu U Dhacdo Si Nabad Galyo Iyo Cadaalad Ah.

Ciidamada maraykanka iyo oo ay dagaalo ku qabsadeen magaaladii ugu dambaysay gacanta xukuumadii Sadaam Xuseen.

GARTA XEER-BEEGTI.

Jilbo-dhiig.

BADHEEHDAHA WARGEYSKA: Nabaddeey macaan!

ODHAAHDA AKHRISTAHA, Ilmuhu marku dhasho ayaa loo magac bixiyaa lakiin marku caloosha hooyadii.

Waxaanu u sharaxanahay Madaxweyne ku-xgeenka-nimada Dawladda reer miyiga.

Xisbiyadu Yaanay Burburin Doorashada Dabadeed.

DOORASHADA DALKAYGA SOMALILAND IYO DAMAL IRMAANANTEEDA
WAXAA ISKU DUBARIDAY.

Qaladkii iyo saxii ayaa la kala garan waayay.

Baaq nabad galyo.

Waa Maxay Dawladda Habooni, Ururka Wax U Qabo, Maxamad Xaashi Cilmi.

ARRIMAHA BULSHADA, Dawada: Waxtarkeeda iyo Waxyeeladeeda (Q. 5aad), Qore: Maxamed X. Daahir (Gudoomiyaha Ururka Farmasiyada SL).

“Ha Lagu Dadaalo Midnimada Iyo Wax Wada-Qabsiga”, Baaq DHALINYARADA Somaliland ee QATAR.

Xayiraad guri, dhul banaan iyo xamaam (Gl/mx/T-32/382).

Tacsi

Bafin


Guddiga doorashooyinka Qaranka Oo Xisbiyada Iyo Dadweynaha Ugu baaqay ilaalinta nabadda iyo nidaamka Doorashada.

“xisbul-xaakimkii UDUB ee ay ahayd inu isagu sharciga ilaaliyo ayaa ka gudbay.”

Hargeysa (Haatuf): Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa xisbiyada siyaasadda, dadweynaha iyo dawladda u jeediyey baaqoodii ugu dambeeyey ee hawsha doorashada madaxtooyada ee maanta dalka ka dhacaysa, iyaga oo soo saaray amaro ay sheegeen inay ku dhaqmaan xisbiyada siyaasadda iyo dadweynaha, taas oo ay xisbiyada ugu baaqeen inay nidaamka iyo shuruucda doorashada ilaaliyaan, halka ay dadweynahana ugu baaqeen inay aad u ilaaliyaan nabadda iyo xasiloonida, sidaana waxa lagu sheegay shir-jaraa’id oo uuu gudoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranku, Axmed X. Cali Cadami shalay duhurkii xafiiskiisa ku qabtay.

Laakiin gudoomiyaha guddiga doorashooyinku waxa uu shirkiisa jaraa’id si kulul ugu canaantay xisbiga UDUB, taas oo uu ku eedeeyey inuu ku gefay shuruucdii loo dejiyey hanaanka doorashada, wuxuuna sheegay inuu xisbiga UDUB ololihiisa doorashada iska sii wadday ka dib markii ay dhamaatay mudadii kama dambaysta ahayd ee ay ku ekayd ololaha doorashadu oo ahayd lixdii subaxnimo ee shalay, laakiin gudoomiyaha guddiga doorashooyinku isaga oo ka hadlaya eedaynta xisbiga UDUB waxa uu yidhi “cidii la rabay inay inay ugu horayn iyadu sharciga ixtiraamto oo ah xisbal-xaakimkii oo ah xisbiga UDUB ayaa markii uu waqtigii ololuhu dhamaaday waday ololihii la joojiyey.”

“Sharciga ayaa ina kala hagaya, hadii la jiidhona waxa iman kara cawaaqib aynaan saaddaalin karin, isla markaana hadii sharciga la socdona caqabad kasta oo inaga hor timaadda waa laga gud-bi karaa, hore ayaanu soo saaray amar ah inaanay xisbiyadu baabuurtooda ku dhejin karin, meel kalena ku dhejin karin halku-dheg xambaarsan astaan qaran, laakiin amarkaa lama siin tixgelintii uu mudnaa, maantana hadii lagu daro amar diido kale taa waxaanu u aragnaa gef.”

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinku waxa uu ku cel-celiyey in aad loo ilaaliyo nabadgelyada iyo xasiloonida, isaga oo sheegay inay wadanka joogaan goob-joogayaal iyo weriyayaal caalami ah oo indho-indhaynaya sida ay doorashadu u dhacayso.

“lixda ayaanu ugu talo galay inay codayntau bilaabato, laakiin waqtigaa laga bilaabo waanu joojinay dhaqdhaqaaqa gaadiidka, sidoo kale hadii ay lixda galabnimo dhacdo keliya waxa la ogolyahay inta safka ku jirtaa inay dhamaysato”ayuu yidhi gudoomiyuhu, wuxuuna intaa ku daray inaan la ogolayn dhaqdhaqaaqa gaadiidka inta ay doorashadu socoto oo ah lixda subaxnimo ilaa lixda galabnimo, isaga oo yidhi “Baabuurka dhaqdhaqaaqa loo diidayaa gaadhiga wasiirku kama baxsana, waxaana wasiirka laga rabaa inuu codkiisa dhiibto, ka dibna gurigiisa galo, waayo maanta ma aha maalintii kaambaynka, laakiin saddexda xisbi gaadiid ay leeyihiin oo ay hawlaha ku kormeeraan ayaa fasax loo siinayaa, saxaafaddana fasax ayaa loo siinayaa.”

“Waxaan shacbiga reer Somaliland ugu baaqayaa inay muujiyaan wadaniyaddii iyo xil-kasnimadii ay sameeyeen doorashadii hore oo kale oo aanay cid gaar ah, koox iyo xataa xisbi toona samayn karin wax aan iraadada shacbiga ahayn, maantana waa maalin khatar ah,”ayuu yidhi, Axmed X. Cali Cadami.

Gudoomiyaha mar la waydiiyey sida inay codeeyaan looga xakamaynayo dadka ajaanibka ah ee wadanka ku sugani, wuxuuna ku jawaabay “Ajnebiga askar kale u qaybin maynee shacbiga ayaa isugu filan askarnimo oo ay tahay inay ilaaliyaan, hore ayaana loo faafiyey inaanu qof ajnebi ahi codaynta ka qayb geli karin.”

Waxa jira degaamo muran ka taagnaa qaabka ay doorashadu uga dhacayso, waxaana ka mid ah degaamo ku yaal waqooyiga gobolka Hargeysa, wuxuuse sheegay in la isla qaatay inay doorashadu ka dhacdo iyadoo ay si gaar ah guddiga doorashooyinka qaranku u maamuli doonaan. Laakiin qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Sool iyo Sanaag bari ayuu gudoomiyuhu sheegay inaanay doorashadu ka dhacayn, halka uu sheegay inay meelo badan oo gobolka Sool iyo Sanaag bari ka dhacayso.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinku waxa uu sheegay inay natiijada doorashadu ku soo bixi doonto 4 maalmood gudahood, hadii aanay buu yidhi aanay duruufi kale iman, wuxuuse saxaafadda ka codsaday inaanay ka hor dhicin oo aanay wax sii sheeg sheegin ilaa lagu dhawaaqo natiijada kama dambaysta.

Top


Dadka reer Somaliland oo maanta narkii u horeysay taarikhda u dareeray Cod-bixinta Doorashada Madaxtinimada.

Waxaa laka xulayaa saddaxda wiil ee u beeratamaya kursiga ugu mudan hogaanka dalka.

Hargeysa (Haatuf): Saaka ayey dadweynaha reer Somaliland u dareereen cod-bixinta doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka Somaliland, waana markii u horaysay ee ay dadweynaha reer Somaliland u dareeraan cod-bixinta doorashooyin madax banaan oo dalkooda ka dhacda tan iyo markii ay istaqlaaladda ka qaadatay Ingiriiska, ka dib markii ay saddexda xisbi ee ku tartamaya doorashada lixdii subaxnimo ee shalay ay soo gebagabeeyeen ololahoodii doorashada oo muddo dhawr toddobaad gaadhaysa cirka isku shareeray, isla markaana laga lediwaayey qayladoodii iyo sawaxankoodii, taas oo ay madaxda iyo taageerayaasha saddexda xisbi si ba’an ugu xusul-duubnaayeen sidii ay u hanan lahaayeen taageerada dadweynaha oo ah kuwo codadkooda guusha lagu kala helayo, iyadoo uu xisbiga codadka ugu badan helaa ku guulaysan doono kursiga madaxtooyada ee loo beratamayo.

Doorashada madaxtooyada ee ay dadweynaha reer Somaliland saaka u dareereen waxa ka sii horaysay doorashadii dawladaha hoose ee dhacday bishii Diisambar, 2002, taas oo ay ku tartameen 6 urur siyaasadeed, kuna dhacday si nabadgelyo ah, isla markaana ay ku soo baxeen 3 xisbi, halka ay saddex urur oo ka mid ah lixdii urur ee tartamay ku hadheen doorashadaa, sidaa darteed waxa la filayaa inay doorashadanina u dhacdo sidii nabadgelyada ahayd ee ay u dhacday doorashadii golayaasha degaanku, laakiin marka dhinac kale laga eego doorashadani ma aha tii hore oo kale ee way ka adag tahay, waayo marka hore isku maqaam ma aha ee tan waxa loogu beratamayaa xafiiskii wadanka ugu mudnaa ama ugu sareeyey hogaaminta dalka, sidoo kale waxay xisbiyadu sameeyeen diyaar garow iyo kaambayn ka adag , kana xoog badan kii hore, taas oo aad xaaladda xisbiyada inuu mid waliba u soo tafaxaytay inaanay ciddina ku qordin xafiiska loo tartamayo.

Sidaa awgeed waxay dad badani u arkaan inay doorashadani tahay mid adag oo aanay sida lagu kala baxayaa ahayn wax hawl yar, taas awgeedna ilaahay ha inaga hayee waa wax dhici kara inay xurguf iyo isku dhacyo ka yimaadaan xafiiltanka xooggan ee ka dhexeeya xisbiyada tartamaya. Hase yeeshee ugu horayn dawladda ayey masuuliyadda koowaad ee ilaalinta nabadgelyadu, mar labaadkna waxay saarran tahay xisbiyada tartamaya iyo dadweynaha.

Inkasta oo waqtigii kaambaynku ugu dambayn ku ekaa lixdii subaxnimo ee shalay, hadana codka ayuun baa hoos loo dhigay ee lama joojin kaambaynkii, sidaa darteed maalinimadii shalay ilaa xalay goor dambe waxa si weyn loo dareemayey xarakaad loogu diyaar garoobayey cod-bixinta saaka loo dareeray, iyadoo ay marka caasimadda Hargeysa laga yimaaddo ay sidoo kale xarakaadka loogu diyaar garoobayo cod-bixinta ka socotay gobolada iyo degmooyinka dalka. “Dadka reer Burco caawa (Xalay) waxay ku jiraan xarakaad ay ugu diyaar garoobayaan cod-bixinta doorashada madaxtooyada ee saaka loo dareeray”sidaa waxa yidhi weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer Liibaan Maaweel Shire oo xalay goor dambe war nooga soo diray magaalada Burco, iyadoo ay magaalada Burco ku sugan yihiin ilaa 9 wasiir oo dawladda ka tirsan oo u ololaynaya xisbiga dawladda ee UDUB.

Sida uu sheegay gudoomiyaha guddiga doorashada Burco, Axmed Cilmi ismaaciil gobolka Togdheer waxay dadku ka codaynayaan 115 goobood. “Diyaar ayaanu nahay mana jiro wax farogelin ah oo hayaa,”ayuu yidhi gudoomiyaha guddiga doorashada Burco.

Sidoo kale weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar ayaa isna xalay ku soo waramay inuu guud ahaan gobolka ka socdo xarakaad loogu diyaar garoobayo cod-bixinta, laakiin waxa uu weriyuhu sheegay in xadka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ka socdo dhaqdhaqaaq intaa ka badan, iyadoo buu yidhi ay wararka qaar leeyihiin waxa xadka ka soo talaabay dad aan la xaqiijin inay wadanka u dhasheen iyo inkale oo la rumaysan inay ka qayb qaataan cod-bixinta saaka loo dareeray.

Saddexda xisbi mid walba waxa ka sharaxan laba nin oo u kala sharaxan labada jago ee aqalka madaxtooyada (Madaxweynaha & Madaxweyne-kuxigeenka), iyadoo ay saddexda xisbi kala yihiin UCID, UDUB iyo KULMIYE. Laakiin marka la eego saddexda nin ee jagada Madaxweynaha uga kala sharaxan saddexda xisbi waxay kala yihiin; Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ka sharaxan xisbiga UDUB, Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxan xisbiga UCID iyo Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo ka sharaxan xisbiga KULMIYE.

Musharaxa jagada madaxweynenimada xisbiga UDUB mudane Daahir Rayaale oo aanu shalay gelinkii dambe isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu u waydiino fariintiisa kama dambaysta ah ee doorashada, hadana nooma ay suurta gelin inaanu si toos ah u helo, laakiin afhayeenkiisa ayaanu soo xiganay, sidaa awgeed mar la waydiiyey inta ay le’eg tahay rajada uu madaxweyne Rayaale ka qabo inuu ku guulaysto doorashada waxa uu muujiyey rajo badan. Laakiin sidoo kale mar la waydiiyey inay isaga iyo xisbigiisu aqbalayaan natiijada doorashada waxa uu sheegay inuu aqbalayo, isaga oo xisbiyada kalena ugu baaqay inay aqbalaan natiijada doorashada.

Sidoo kale musharaxa Madaxweynaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaanu xalay goor dambe waydiinay inta ay le’eg tahay rajada uu ka qabo guul uu ka gaadho tartanka doorashada, wuxuuna ku jawaabay “Doorashadii hore ee golayaasha degaanka waxaanu ku xidhnay safxaddii shir-beeleedka, doorashadana waxaanu ku soo xidhayna safxaddii siyaasiyiintii hore, halkaana natiijada ka soo baxaysaa waa guushii UCID”. Laakiin Faysal Cali Waraabe mar la waydiiyey inay isaga iyo xisbigiisu u hogaansami doonaan natiijada doorashada ka soo baxda wuxuu yidhi “Anagu natiijada doorashada ka soo baxda waanu aqbalaynaa, waayo doorashadani waxay xambaarsan tahay laba guulood oo kala ah ta xisbiga guulaysta iyo ta labaad oo ah guusha ummadda.”

Musharaxa xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaanu isna xalay waydiinay inta ay le’eg tahay rajada uu ka qabo guul ay isaga iyo xisbigiisu ka gaadhaan doorashada saaka ay dadweynuhu u dareereen cod-bixinteeda, wuxuuna yidhi “Anagu kalsooni badan ayaanu ku qabnaa inaanu ku guulaysanayno doorashadan.”

Sidoo kale Axmed Siilaanyo mar aanu waydiinay inay isaga iyo xisbigiisu aqbali doonaan natiijada doorashada waxa uu yidhi, “Anagu waanu aqbalaynaa natiijada doorashada ka soo baxda.”

  Top


Guddi culimada’udiin Ah Oo Ku Baaqay In Doorashadu U Dhacdo Si Nabad Galyo Iyo Cadaalad Ah.

Hargeysa (Haatuf): Guddi ka socota culimaa’udiinka magaalada Hargeysa ayaa ku baaqay in loo guntado sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd si cadaalad iyo nabadgelyo ah iyo in laga digtoonaado wixii carqalad gelinaya doorashada.

Shir-jaraa’id oo ay culimadaasi ku qabteen magaalada Hargeysa, af-hayeena uu u yahay Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir, xubnana ay ka yihiin Sh. Mustafe X. Ismaaciil Haaruun, Sh. C/laahi Cabdi Cali (Makaawi), Sh. Maxamed Cali Geedi, Sh. C/raxmaan Aw Cabdi, Sh. Cismaan Cali Xuseen, Sh. Xasan C/salaan Sh. Cali, Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre iyo Sh. Khaliil C/laahi Axmed, waxay shirkaa jaraa’id ka akhriyeen baaq wadajir ah oo ay culimadu kasoo saareen doorashooyinka maanta dalka ka dhacaya.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo isagu shirkaa jaraa’id ka hadlay, isagoo ugu horrayn faah-faahin ka bixinaya waxa uu yidhi; “Waxaan jecelahay inaan ku wargeliyo dhammaan warbaahinta dalka inay shirkan soo abaabbuleen culimaa’udiinka magaalada Hargeysa, maadaama aynu ku jirno marxalad kala guur ah, waxay nala noqotay inaanu ka qaybqaadano dhinaca wacyigelinta dadka reer Somaliland,” ayuu yidhi Sh. Dirir isagoo ka waramaya ujeedada ay shirka jaraa’id u qabteen, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray inay ujeedada ay arrintan ka leeyihiin tahay inay ahmiyadda siinayaan laba arrimood oo kala ah cadaaladda iyo nabadgelyada oo ay culimadu sheegeen inay saldhig u yihiin sidii ay doorashadu u noqon lahayd mid xalaal ah; “Cadaaladda oo ay iska xil-saaraan dhammaan dadka xilka haya, hadday yihiin Guddiga doorashooyinka, xukuumadda iyo axsaabta Siyaasadda dhammaantood waxaanu u soo jeedinaynaa inay ku dedaalaan cadaaladda, ta labaadna waxay tahay nabadgelyada oo ah masalaha aanu ku fadhino ee dalkeenu uu ku degan yahay, waxaananu kula dardaarmaynaa in la ilaaliyo nabadgelyada oo aynu uga faa’iidaysanayno dad ahaan, dal ahaan iyo diin ahaanba,” ayuu yidhi Sh. Dirir.

Waxaa kaloo uu sheekhu sheegay in kulan ballaadhan ay la yeesheen Madaxda saddexda xisbi ee tartamaya oo kala ah, Madaxweyne Daahir Rayaale, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, isla markaana ay la kulmeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Wasiirka arrimaha gudaha, ayna kala hadleen dhammaantood sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd si nabad ah. “Waxaanu filayna inanu u gudbinay mid walba taladii ku munaasibka ahayd, si fiicana way noo soo dhoweeyeen oo way naga aqbaleen wixii aanu kala hadalnay, waxaananu ku heshiinay in kolba wixii soo cusbaanaada laga wadahadlo,” ayuu yidhi Sh. Dirir.

Ugu dambayntiina waxa ay culimadu mahad-naq u soo jeediyeen dhammaan warbaahinta dalka oo dhan sida ay uga qaybqaataan wacyigelinta bulshada.

Dhinaca kale, Sh. Maxamed Cumar Dirir iyo Sh. Mustafe X. Ismaaciil Haaruun oo hore loo sheegay in lagu daray Guddiga anshax-dhawrka doorashada ayaa sheegay inaanay aqbalin xubinimada guddigaa oo lagu daray iyagoo aan ka war-hayn, balse Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre ayaa isagu xubin ka sii ah guddigaas.

Top


Ciidamada maraykanka iyo oo ay dagaalo ku qabsadeen magaaladii ugu dambaysay gacanta xukuumadii Sadaam Xuseen.

Baqdaad (W.Wararka) - Dagaalo qadhadh oo dhexmaraya ciidamada Badda ee Maraykanka iyo Maleeshiyo reer Ciraaq ah ayaa la sheegay inay ka socdeen maalintii shalay inay ka socdeen dhinaca koonfureed ee magaalada Tikrit oo ah halkii uu ku dhashay madaxweynihii dalka Ciraaq ee Sadaam Xuseen, taasoo ay maalintii shalay gudaha u galeen ciidamada Badda ee Maraykanka.

Sida ay sheegayaan wararku, ciidamada Maraykanku waxay adeegsadeen Diyaaradaha dagaalka si ay u burburiyaan goobaha ay deggan yihiin dagaalyahanka reer Ciraaq, taasoo keentay inay ku dhintaan 15 qof oo Ciraaqiyiin ahi.

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee dagaalka ka wada Ciraaq Tommy Franks ayaa maalintii shalay sheegay in ciidamadiisu ay galeen magaalada Tikrit, iyadoo aanay wax difaac ah cidi kala hor imanin. Taliyaha oo ka hadlayay xarunta taliska ciidamada ee dalka Qatar, waxa uu intaa ku daray inaanay haatan hadhin wax magaalo ah oo ku hadhay gacanta xukuumaddii Sadaam Xuseen.

Sarkaal sare oo Maraykan ah oo ka hadlayay dagaalka ku qabsaday Tikrit waxa uu sheegay inuu yahay dagaal fudud, isla markaana waxa uu ku andacooday inay kaalmo ka haystaan ciidamadoodu dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka Tikrit, waxaana la sheegay in 15 hoggaamiye beeleed oo ka tirsan degaankaasi inay ka dalbadeen ciidamada Maraykanka inay joojiyaan dagaalka oo xiisadan lagu dhammeeyo wadahadal.

Sida uu sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP, dablay hubaysan ayaa ku baahay waddooyinka waaweyn ee magaalada Tikrit, kuwaasoo la sheegay inay u diyaar-garoobeen sidii ay isaga difaaci lahaayeen haddii weeraro boob ah lagu soo qaado.

Dhinaca wararka ka imanaya magaalada Baqdaad ayaa sheegaya inay haatan magaalada u muuqato mid soo degaysa, iyadoo ay soo baxayaan mutadawiciin reer Ciraaq ah oo ciidamada Maraykanka kala qaybqaadanaya dejinta magaalada. Iyadoo ay wararku sheegayaan in guddiyo ay iska dhexmagacaabeen dadweynaha ku nool magaalada Baqdaad, kuwaasoo dedaal ugu jira sidii ay nidaamkii iyo kala dambayntii ugu soo celin lahaayeen magaalada Baqdaad, taasoo wax weyn ka tartay in xasiloonidii iyo nabadgelyadii ay ku soo noqdaan magaalada.

Top


GARTA XEER-BEEGTI.

Maganta:Magantu marka hore waxay u qaybsantaa dhawr qaybood oo kala ah; Magan kula taal, Magan kuu timi oo kula joogta, Magan kuu timi kaana tagtay iyo Magan kugu socota.

Hadii maganta uu kuu dhaafo nin aad xigaal tihiin ama nin aad xeer leedihiin waxa ka timaadda dhibaato badan, waana la isku dilaa, waxaana badiba dhaqanka Somalida ka reebban in maganta la laayo, laakiin maganta lafteeda way kala duwan tahay marka ay cidda kuu dhaaftaa kuu garanayso iyo marka aan laguu garanayn, iyadoo aanay marnaba wanaagsanayn in maganta la laayaa.

Masalan ninka gabadhi dhashay, gabadhna qaba, isla markaana hablihiisa la qabo ee ilaa saddex awow iyo ka badan reeraha la yaalay iyo nin muquuno (Xoolo) kaa doonayey oo isaga oo aan weli ku soo gaadhin oo ah magan kugu soo socota la dilay way kala sahlan yihiin oo waxa la odhan karaa labada nin ee labadaa nin kala dilay midna wuu kugu qaldamay, midna wuu kugu qaldmay, markaa way kala kiis culus yihiin.

Tusaale ahaan Oday la odhan jiray Axmed Ilkacase oo ka mid ahaa ragga fiicnaanta aad loogu majeerto oo degaamada Togdheer u dhashay ayaa berigii dambe u kudaalay jiidaha bariga Sanaag, gaar ahaan degaamada Badhan, dabadeedna waxa la siiyey gabadh reer garaad ah, ka dibna wuxuu yidhi muddo markii aan joogay ee aanu raggii is wada baranay ayaan maalintii dambe shax la ciyaaray nin gabadha uu qabo ay kala jilib yihiin, waxaanse nala jooga seediyaday ninkii u sitay, dabadeedna ninkii shaxda ila cayaarayey ayaa igu yidhi “Waar bal Inan gumeedkan xun eega”, ka dibna Shaabuug aan sitay ayaan damcay inaan shan ku dhufto, laakiin seedigay ayaa igu soo booday oo I qabtay, wuxuuna igu yidhi “Waar Axmedow nin fiican baan ku moodayaye, balse ma tihid, wax baan ku waydiinayaaye ma taqaan ninka hadii la dhirbaaxo shanta qaalmood ee xaalka ah laga qaato, hadii la dilo oo Toorray lagu dilona ay kii Toorayda ku dhuftay iyo kii dhirbaaxada xaalka ka qaadan lahaa ay Tooridii lagu dilay hilibka ku wada cunaan”, ka dibna aniga oo cadhaysan ayaan ku idhi “Maya ee ma aqaan”, ka dibna wuxuu igu yidhi “waa adiga oo kale”, dabadeedna markii uu hadalkaa igu yidhi ayaan maalintaa ilaaway wixii tolkay kaga soo kudaalay ee aan ka tirsadday, waana soo guuray.

Ninkii gabyaaga ahaa ee la odhan jiray Xaleef ayaa gabay uu ku tiriyey wuxuu ku yidhi “Waa baylah joog inan la yaal, bilisi hooysaaye, Shisheeyuhu bukaan kuma rog-rogo, kumana baantaane”.

Xaal : Hadii aad maqasho hebel xaal hala siiyo ama arintaa xaal baa ka waajibay waxa weeye nin laga xarago qaatay ama xumaan lagu sameeyay, laakiin waxa lagu sameeyey isna samayn kara, balse si aanu u kiil-qaadan (Aar-goosan) ayaa lagu dhaahiyaa xoolo ama la siiyaa xoolahaasna waxa la yidhaahdaa “Xaal”. Bal aynu tuducan gabayga ah “Calow maqal cantuugad badhkeed waa calool melege, Calow maqal rag kula cayn ah oo ciillan baa jira’e, Calow maqal ciyaar iiga fudud ceeb inaa falo’e”. Tixdan gabayga ahi waxay muujinaysaa inuu ninka wax lagu sameeyey isna wax samayn karo, balse uu wax xeerinayo.

Waxyaalaha xaalka la isu siiyo waxa ka mid ah, Garowshiinyo oo ah in ninkii xumaanta loo geystay loo garaabo oo la yidhaahdo raali ahaa waanu kugu qaldanaye. Waxa kale oo ka mid ah in Faras xaal loo siiyo, sidoo kale gabdhahana xaalka waa la isu siiyaa. Hase yeeshee had iyo goor waxa xaalka laga bixiyaa marka aanay meesha qoomo jirin ee ay wuxu yihiin aflagaado, laakiin hadii ay nabarro jiraan xaal ma leh ee waa la xaqaa oo wixii ay noqoto ee aduun ah ayaa la bixiyaa.

Waxa kale oo jirta arin laba xaalley la yidhaahdo, taas oo ay tusaale ahaan ka mid tahay masalan gabadh la qaboo oo reerkoodii la taal ayaa la kufsaday, marka ay taas oo kale dhacdo gabadha reerkoodii ay ka dhalatay iyo reerkii qabay ee ay u dhaxday labaduba waxay yeeshaan xaal, taas oo kalena waxa la yidhaahdaa laba xaallay. Hase yeeshee waxa jira arimo had iyo goor ninka ragga ah looga baahan yahay inuu ka dulqaato, masalan hadii uu qaladaad ka soo gaadho xigtidiisa ama saaxiibadiisa waa inuu inta badan iskaga dulqaato oo aanu ka kiilqaaddan, laakiin hadii uu dulqaadan kari waayo waa inuu cawdaa oo uu yidhaahdaa waxaas iyo waxaas ayuu ninkaa aanu xigaalka ama saaxiibka nahay igu sameeyey ama waxaas iyo waxaas ayaan kaga cabanayaa, iyadoo cabatinkana inta badan lagu dhameeyo dhaahin iyo raali gelin, hadiisa ay intaana ku dhamayn waydo ninkii cabanayey waa inuu Naqaa, naquna waa guhaan, laakiin sidoo kale hadii ay intaasna ku dhammaan waydo waa inuu ninka wax laga tirsanayaa yidhaahdo waan ku garmarinayaa, waana inuu ninkii wax tirsanayey garnaqsado, hadiise uu ninkii laga cabanayey garaabi waayo, waa inuu ka ergoodaa oo uu kaga eerto cidda xidhihiisa ah, waayo hadii aanu ka ergoon oo aanu kaga eerran cidda xidhihiisa ah oo aanu odhan waar gacalow ninkaa hebel halayga qabto oo aad wax samayso taa waa lagu ceeboobaa, maxaa yeelay hadii sidaa yeesho oo adiga oo aan ergoon aad wax samayso waxaad markaa lumisay milgo weyn oo aad lahayd, hadhowna laguu garaabi maayo ama waa lagu canaanayaa, waayo waxa kugu fillan miyaad nagu soo sintay, Somalidu waxay tidhaahdaa “May tidhina waa kayd rag”.
la soco...

Top


Jilbo-dhiig.

Doontii uu Biixi saarnaa markii ay muddo badweynta dhex heehaabaysay ee ay rakaabkiina silic u dhamaadeen ayey maalintii dambe doontii dabada foororisay oo ay badda quustay, ka dibna rakaabkii markii ay arkeen inay doontii quustay ayey isku yaac yaaceen oo ay hoogay iyo bisinka boobeen, dabadeedna ilayn baddi miciin ma lahe intoodii doonta wada saarnay ayuu qof-ba qofkii uu miciin mooday xagiisa u gurguurtay oo qabsaday, xiliguna waa habeen gud-cur madoobe ah, cirkuna da’ayo oo ay gud-curka ka sokow meel walba daruuri isku gedeftay, laakiin Inan rag kii xoog lahaaba doonta loox yar ka jabsayaa iyo huudhigii yaraa ee doonta dhinaca qabsayaaba meel uun buu isku taarray, laakiin dumarku meel ay cuskadaan ma hayaan itaal ay loox ku jabsadaana ma hayaan. Xaaladuse waxay ahayd mid adag iLeyn geed la cuskadaana, waxay xaaladoodu ka dhignayd sidii goraygii la yidhi wuu baalal belay, ka dibna dooxo caws badan oo uu dhex-joogi jiray ayaa maalintii dambe afarta dhinac-ba ka soo oloshay, ka dibna ileyn baalal uu kaga duulo ma hayee wuxuu beryey ilaahay oo uu yidhi “Eebow iga bakhtii”, ilaahayna waa ka bakhtiiyey oo sidaas ayuu ku bad-baaday.

Biixi caalamka badda waxba ugama bilowna, sidaa darteed dabaal iyo farsamo kale oo uu isku bad-baadiyo midna ma garanayo, taas darteedna markii u horaysay ee uu arkay inay doontii xagga kale iska rogtay ayuu muraaradilaacay oo ay jidhkiisa meel waliba qabowday, farna uu dhaqaajin kari waayey, dabadeedna qacdii u horaysay ee ay doonto dabada foororisay ayuu Biixi hadhay oo ay isaga iyo badda ciirsi la’da ahi is muteen, iyadoo ay weliba gaajo iyo xanuun isu barkiyeen, laakiin ileyn markiiba wuu quusi lahaaye waxa ilaahay ku yara cayntiyey waxa uu dusha uga baxay foosto ay doonto lahayd oo uu waxoogaa batrool ahi ku jiro, ka dibna foostadii ayuu hareeraha qabsaday oo mar-ba dhinac ula dullun-dulcaysay, balse goor aanay naftu waxba kula jirin oo uu nafla-caari yahay oo ay foostadiina farahiisa ka sii mudhuxsanayso ayey heleen niman Yameniyiin ah oo doon wataa, wuxuuna markii la helay badda ku jiray qiyaas ilaa 24 saacadood ah.

Biixi waxa badda dhexdeeda kaga lumay Fargalkii ay Xayaad gudoonsiisay maalin maalmaha ka mid ah, iyadoo uu fargalkaasi u ahaa xusuus iyo xadanto la xidhiidha cish-gigii waayo-waayo.

Biixi waxa la geeyey dhakhtar ka mid ah dhakhtarada dalka Yamen, halkaas oo inmuddo ah lagu dawaynayey, laakiin Biixi inmuddo ah ayaanu si wanaagsan waxba u kala garanayn, sidaa darteed maalintii dambe ayuu soo Madaxa kor ula soo kacay, isaga oo u muuqda nin duni kala ka soo baraarugay, wuxuuna isha ku dhuftay gabadh dharcad xidhan oo dul-taagan iyo siliij ku socda oo jidhkiisa lagu quudinayo, dabadeedna cabaar ayuu indhaha la raac raacay dadkii hareerihiisa joogay iyo dhakhtaradii dushiisa tubnaa., waxayna garashadiisu hore u soo saari wayday dunidan uu ku sugan yahay ee aanu hore u arag.

Laakiin gabadhii dhakhtarada ahayd ee dul-taagnayd ayaa markii ay aragtay inuu garran la’yahay meesha uu joogo ayey ku tidhi “Meeshu waa cusbataal, waana Sanca”, isla markaana markii ay aragtay inuu soo hanbaabiray oo ay garashadiisu si u yara didsan tahay ayey ku tidhi “Is deji meel fiican baad jiiftaaye.”

Biixi markii uu cabaar il-galacleeyey ee hareerihiisa eegay ayuu markii dambe eegay gacantiisa bidix oo ah gacantii uu ugu jiray fargalkii Xayaad ay xusuusta jacayl u siisay maalin maalmaha ka mid ah, balse waxa uu arkay fargalkii oo gacantiisa ka madhan, taasna aad buu uga tiiraanyooday, waxaana indhihiisa ku soo hogatay ilmo buur-buurran oo inkasta uu is yidhi yaanay isha godkeeda soo dhaafin, hadana uu xejin kari waayey oo soo daadatay.

La soco.

Top


BADHEEHDAHA WARGEYSKA: Nabaddeey macaan!

Marka laga yimaaddo hirdanka milateri ee ka dhex-oogma kooxo ama ururo hubaysan oo mucaarad ah iyo xukuumad waddan ka talisa loollanka madaxtinimadu waxa uu ka mid yahay waxyaalaha ugu adag-adag hirdanka siyaasadda ee had iyo goor dhexmara wiilasha dunida ee ku beratama kuraasta iyo Xafiisyada sarsare ee looga taliyo dadyowga adduunka ee ku kala nool qaaradaha iyo dalalka kala duwan ee caalamka. Sidaa awgeed waxa uu loollanka siyaasaddu mararka qaarkood isu rogaa gacan ka hadal khatar geliya nabadda iyo xasiloonida, taas oo kalena marar badan ayey ka dhacday dalal badan oo adduunka ah, laakiin waxa tusaale inoogu filan doorashadii u dambaysay ee sannadkii 2000 ka dhacday dalka Maraykanka oo ah dalka dunida isugu bida hadii ay tahay qaan-gaadhnimo siyaasadeed iyo cudud milateriba, waxaynuse wada xusuusanahay wixii dhacay markii ay kursiga ku tartamayeen George W. Bush iyo Ninkii kale ee la odhan jiray Algore, taas oo murankii dhinaca codadka ee ka dhacay gobolka Florida ay noqotay xiisad weyn oo siyaasadeed oo runtii si weyn u gilgishay nabadda iyo xasiloonida Maraykanka. Sidaa awgeed Somaliland oo ay taariikhda maanta ugu horayso doorasho ay ugu codeeyaan cidda hogaaminaysa ilaahay inaguma keenee waa wax la fillan karo xurgufo iyo isku dhacyo siyaasadeed oo ka dhasha loollanka adag ee loogu beretamyo kursiga madaxtooyada, taas oo ay ragga hadda ku fadhiyaana leeyihiin “waa nacasnimo hadii hawl yari laynagaga qaado”, halka ay ragga debedda ka soo bu’ayaana leeyihiin “Waa mustaxiil inaynu maanta ku fadhiisan waynaa”.

Somaliduna waxay tidhaahdaa “Qoodhi qallaco ma dayso”, taas oo loola jeedo rag ardaa isugu yimi waa lagama maarmaan inay marba qaar iskula farabaxsadaan macadala waaba kuwo la isku careeyey oo ay xaaladoodu taagan tahay “Car iyo car”.

Hase yeeshee waa inaynaan marna ilaawin macaanka ay nabadgelyadu leedahay, taas darteedna waa inaanay caadifadda loollanka siyaasaddu idinla talax tegin ee aad mar walba carrabka ku haysaan “Nabaddeey macaan”, iyadoo uu xilka koowaad ee ilaalinta nabaddu saarran yahay dawladda, laakiin xisbiyada iyo dadweynaha kala taageersan waxa iyagana ku waajib ah inay nabadda wax walb ka hor mariyaan, isla markaana ay qiime kasta oo ay ku kacayso ay dhabarka u ritaan dhawristeeda.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA, Ilmuhu marku dhasho ayaa loo magac bixiyaa lakiin marku caloosha hooyadii.

Waagii baryaaba waayo leh qoraxdii dhacdaaba qisay subaxii keentaa, Somaliland waxay soo martay marxalado kala duwan oo mid waliba waayihiisa iyo xusuustiisa gaarka ah lahaa, mid kastana waxay kala soo gudaybsay wada jir iyo tashi iyo is qancin. Dhidibada loogu taagayay qadiyada gooni isu taaga Somaliland, hadaynu soo qaadano marxalada xiligan uu wadanku marayo ayaa waxaynu odhan karnaa Somaliland waxay xiliagan maraysaa marxalad xasaasi ah taasoo ku wajahan ololaha doorahada madaxtooyada ee kaabiga ina soo saartay oola filayo inay dalka ka qabsoonto 14ka abril 2003, wakhtiga loo qoondeeyey doorashada madaxtooyadu inay ka qabsoonto wadanka oo ah mid ay maalmo yari inaga xigto waxa ku tartarmaya sadexda xisbi qaran ee ku soo gudbay tartankii doorashada golayaasha deegaanka. Kuwaas oo kala ah Udub, Kulmiye iyo Ucid,dhamaantood waxay quuddaraynayaan hogaamiyayaasha xisbiyadani sidii ay ugu guulaysan lahaayeen doorashada madaxwaynaha iyo madaxwane ku xigeenka hase ahaatee xisbiga guulasanaya iyo ka guuldaraysana waxa og oo kali ah alle s.w.t, taasi waxay inaga badbaadinaysaa mala awaalka inta badan ay mujtamacu ka bixiyaan sadaasha doorashada madaxtooyada iyo asxaabta loolanka ugu jira talada hogaaminta dalka, oo dadweynuhu ay diirada ku saarayaan, halka ay guushu raaci doonto. Oo qaarba nooc ay fikirkooda ku salaynayaan. Taasi waxaynu odhan karnaa, waa gacan uur ku jirta, hase ahaatee waxa loo baahanyahay. In maanta lagu hayo xigmada odhanaysa " ilmuhu markuu dhasho ayaa loo magac bixiyaa balse ilmaha loom magac bixiyo markuu caloosha hooyadii ku jiro" taasi macnaheedu waxa weeyi, xisbiga ku guulasanaya doorashada madaxtooyada waxay ka muuqan doontaa kalsonidiisa sanaaduuqda codbixinta, balse kalsooonida xisbiyadu laguma qiimayn karo sacab iyo mushxarad , taasi waxaan u arkaa fikir bukaan ah,maxaa yeelay.

Arintu way ka gedisantahay sida la moodayo.balse waxay xaqiiqadu tahay wada hadalba haadkeesaa ka hadhay, markaa waxaa loo baahanyahay in arinta alle loo daayo. Isla markaana, lala yimaado aqon iyo iimaan kaamil ah hadal iyo murti, ninkastaa ha iska hadlee, ta alle uun bay noqon, halagu ducaysto si aynu doorashada madaxtooyada ugu najaxno allaw ma dooran karnee adigu noo door heball ma doonayno iyo hebal baan dooranayna, caqliga dadwanuhu ha ka koro.
Maxamed Sagax, Hargeysa.

Top


Waxaanu u sharaxanahay Madaxweyne ku-xgeenka-nimada Dawladda reer miyiga.

Ku: Axmed Ali Garas (Raadyaw ma qaloocshe).

Anagoo kala ah musharixiinta:

1-Madaxwayne ku xigeenka dawlada reer miyiga (A/fataax C/laahi Axmed-Amiir).

2-Musharaxa jagada gudoomiyaha golaha odayaasha geedka ee dawlada reer miyiga ( Maxamuud Maxamed Yuuduf -Guuto). Anagoo ah muwaadiniin reer miyi ah waxaanu si laab la kac ah u jeclaanay barnaamijka dawlada reer miyiga ee dhawaanta lagu dhawaaqay. Haddaba sida aynu ognahay reer miyiga ee Somaliland oo aan la mid ahayndawladaha hore u maray reer miyigood, iyadoo aanay ka muuqan barnaamij tafatiran oo ku wajahan reer miyigeena. Barnaamijyada xusbiyada u tartamaya doorashada reer magaalka.

Markaan ka damqanay xaalada adag ee reer guuraaga.

Markaanu aragnay in dadkeenu u badan yahay reer miyi.

Markaanu in dhamaan dhaqaalaha dalkeen ku xidhan yahay xoolaha reer miyiga, iyadaoo wixii ka soo baxaana aan waxba loogu qaban.

Markaanu ogaanay in wasaarada horumarinta ay mar kasta xukumadu u magacawdo wasiir reer magaal ah oo aan xirfad iyo aqoon u lahayn raacida iyodhibanta xoolaha reer miyiga.

Markaanu ogaanay in aanay wadooyinka reer miyiga aanay si bidhaysnayn, daamurna aan lagu ogaynba oo had iyo jeer boodhkooga duray iyo uskag laga qaado.

Markaanu ogaanay in marka jilaalkii ay biyo la’aani ku dhacdo aanay cidna gurmad ka helin.

Sidaa darteed markii aanu isla qosalnay ayaanu damaacinay in aanu isu sharaxno xilalka aanu kor ku soo sheegnay, anagoo haddii nalaga aqbalo musharaxnimadayada aanu soo bandhigi doono barnaamijkayaga oo wata dhig iyo udub iyo hogaankii awrta, waxaase qorshahayaga dhaw ka mid ah:

Waxaanu dhisi doonaa baraagihii ku burburay dagaalada.

Waxaanu Caalamka ka codsan doonaa in ay nala soo gaadhaan, booyado dhib ah iyo koontiinaro kaneeco ah,iyo dhawrgaadhi oo nooca xoolaha foofiya ah.

Max’ud Max’ed Yuusuf (Guuto).
A/fataax C/laahi Axmed (Amiir).

Top


Xisbiyadu Yaanay Burburin Doorashada Dabadeed.

Waxaa mudan inaanaynu isku dayno inaynu ogaano in xisbiyadda tartamaya ay abuuri karayaan jawi dowaladeed oo ah ku salaysan horumarka bulshada iyo cadaalad nabad galyo iyo ka dhigta danta umadda tan muhiimada kowaad leh.

Waxaan filayaa in aynu arkayno in laba xisbi kula tartamayaan xisbiga talada haya ee Udub taasoo uu xisbi kastaa ku andacoonayo inuu keenayo nidaam ka fiican kan hadda lagu dhaqmayo iyadoo udubna ay iyadu lafteeda ku andacoonayso in ay ka fiican tahay xisbiyada kale oo ay wax qabanayso.

Hadaba waxaa kale oo aynu daliishan karnaa in xisbigu uu yahay dad isku tagay oo aaminsan in dedaaalkooda la mideeyo iyo xoogooda si ay wax u qabtaan, Intaanu xisbiga talada hungureen waa inaynu ka cabir qaadanaa sida ay u socdaan howl maalmeedkiisa iyo qorsheyaashiisa waxaan marag ka ahay in hadalka ka fududyahay ficilka oo ay xisbiyadu dhaliilaha jira ay arki karaan laakiin hadii ay talada qabtaan wax badan aanay bedeli karayn,sababta oo aan sidaa u leeyahay waa meshan mushkiladda maa ah oo qof keliya ee waxaa jirta mushkilad dhaqaale iyo mid dhaqan siyaasadeed oo adag in loo helo xal,mushkiladaa dhaqaale waxay sababtay inay curyaameen hormarkii bulshada iyo waxqabadkii hadaba xisbi ma dhici karso xisbi xalin karayaa mushkiladda dheqaale ee ina haysata waxaa ugu yar tan xoolaha nool ee sucuudiga diiday inaynu u dhoofino, Inkastoo qodob kale oo muhiim ah meesha yaalo oo ah nidaamka dhaqan siyaasadeed ee jira taasoo ay ku dhaqmaan siyaasiinteena oo isku mid ah iyadoo runtii ay ku kala gedisan wajiyadooda uun,taa la ajligeed inaan hubo ooaan odhankaraa ma bedeli karaan wax badan oo aan ahayn wajiyo cusub oo siyaasada soo gala mooyaanee.

Maamulka xisbiyadda jiraa ma yahay maamul leh qiimayn maamul oo kuu soo jiidaya inaad ku aamini karto talada dalka? Waxaan odhan kara maya sababta oo ah ma arkayno maamul hagaagsan oo ay leeyihiin xisbiyadu oo aan ahayn qeybta wacyi gelinta oo aad u shaqeeysa iyadoo weliba baabuur kiraysta oo ku dhejiyana gudoomiyaasha xisbiyada ee raba madaxweynimadda, hadaba waxaa ka mid ah maamul hagagsan iyadoo xisbiyadu leeyihiin ujeedooyin fogfog sina xaqiija doorashooyinka ka dib doorka ay ka ciyaarayaan bulshada iyo siyaasada wadanka ma aha xisbigu inuu ujeedadiisu ahaado oo keliya in la talada qabto hadii uu waayan uu burburo ama uu tacbaan noqdo sida badanaa dhacda.

Waxaan raacin lahaa tii ku dhacday xisbiyadii hadhay oo toban kastaa ay gashay xisbi sababata keentay taana waa iyadoo ay lahayn ujeedooyin fogfog oo xajiinaya xisbinamadda iyo mabaadiida xisbiga hadii ay lahaan lahaayeen mabaadii iyo ujeedooyin fogfog may dhacdeen in ASAD u qaybsamo UDUB iyo KULMIYE. Hadaba taasi waxay ku tusaysaa in ragan raba hogaaminta umadan dhowrka milyan ah aanay karti u lahayn lagu aamino mar hadii ay garan waayeen waxa uu ku danbeyn doono Doorashooyinka ka dib xisbigoodu isagu xisbigu ka tiro yaro yar yahay bulshada caamkeeda.

Ibrahim X. Siciid Xuseen,Hargeisa.

Top


DOORASHADA DALKAYGA SOMALILAND IYO DAMAL IRMAANANTEEDA
WAXAA ISKU DUBARIDAY.

Waxaa maalinta beritoole ah ay shacbiga reer Somaliland yari iyo weyn, haween iyo oday, caruur iyo ciroole u dareerayaan goobaha codbixinta dooroshooyinka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, dagal weliba hoodiyo Hawl iyo dhibaatiyo hadimo iyo nasiibiyo hawraar udgooniyo hibo eeba siiya loogu hawl yaraysta, beritoole taariikdhu waxay tilmaami doonta 14 April sannadda 2003, waa maalin si weyn iskugu xardhi doonta baalasha dahabka ah ee Marinada Maandeeq (Somaliland), Murugo iyo ciil iyo Meer-meer dadkaygow Mixnadii aduunyada Muraadkay iftiimisay maantad midhaheedi haysan, akhristayaal maalinba waa maalin eh maanta waa maalin weyn ee Somaliland madaxeed banaan, taariikhda dagalka aan ka dhashay ee Somaliland waa mid aan mansabka uu xanbaarsanyahay midig iyo bidixba lagu maarayn karayn, la iiga aqoon iyo xikmad badan, la iiga hawraar iyo hasaawe badan, dareenka guud ee dalkaygii hooyo maanta u dilaacay, hadal badan danbaa dhaanta eh, aan usoo dago dulucda guud ee dareenka maanta doorkaan wada daadahinaayo, sannaddu waxay ahayd 1960 26 june, waxaa iskugu soo ceegagmay magaalooyinka waaweyn iyo tuulooyinka guud ee dalka Somaliland caruur iyo ciroole, maalintaa ninkii xasuusta waxaa ilmo lagu ogaa, waayeel farabadan oo maskaxdoodu murugoonaysay, waxaa Boqortooyadii Great Britain gacanta midig ka saartay xornimadii, madaxbanaanidii, iyo xorriyadii, Dalka yar ee ku yaalla cidhifka beri ee mandaqadda beriga fog ee africa, calaacal iyo geerar, goobyaal iyo gaafwareeg maalintaa waxaa shacabka Somaliland hayey waxay ku soo xoonmeen madasha Beerta xorriyadda ee magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, maskaxdii ogayd iyo ishii maalintaa arkaysay waxaan filaya inta ka joogta in ay faro ku tiristahay, gebayada iyo geerarka halkaa ka goohayey waxay noqdeen qaar ilmadu is qabsatay, ma filaayo hadii xoghayahii ingiriiska u magacowna ee goobtaasi maalintaa ku sugna haduu fahmaayo hawraarta ka qubanaysa muwaadiniintii halkaa iskugu timid in uu dafiri lahaa dagal macaanidu waxay tahay, akhristow halba halbay kuu dhiibtaaye halhayskii maalintaasi wuxuu ahaa "SAREEYOW MA NUSQAAMOW BAL SIDUU YAHAY EEGNE KANA SIIB KANA SAAREEY" alla naxariistii janno ha ku siiyo ha kaana dhigo saalaxiintii alla ugu deeqay janno fardawsa, Suldaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde, xorriyadii waxay kala wareegtay oo gacanta loo saaray siyaasiyiintii halkaa joogtay saacadda geeska africa markay tilmaamaysay 12:00 habeenimo wakhtigaasi oo aalaba kala badha saqda dhexe ee habeenkii, mashraxada iyo qayladu waxay isku darsantay goobtaasi, habeenkii oo dhan hargiesa waxay noqotay goob u hoyata hasaawi hoose iyo farxad aan la qiyaasi karin, dhanka beri ayaa waxaa ka soo bildhaamay falaadhaha cadceeda oo huwana sansaan sagalkeedu u muuqday mid aad u quruxoona, akhristow, maalmo ka dib ayaa jawigii is bedelay, waxaa markiiba maanka Somalilanders kii xorriyadooda hantiyey ku dhashay horta Aaway walaalaha, Soomali meeday Tallow sidee loo baadi gooba shantii xidigood ee gorofka iyo haldhaagu kala laliyey, Su,aasha meesha ka dhex baxday ayaa waxay u dhignayd:

Badi waan gadoodaa
Cidda aan galaaftaa
guurtidayda weeyaan
anigays gunaanada
hadba waxan ku giirtaa
guuleedka ii kaca
geeddigaygu sahan ma leh
geenyo hadaftey weeyaan
goob-yaalka milicsiga
gabar-gaalka lahashada
gacan haadis bay dilay
iyo laba gar-daymood
gurrantayda bidixdiyo
garabkayga midig baan
midba gelin u jeestaa
ka cabsaday god naareed
jannadana ma geli karo
gooddigooda ku anbaday
duniduna gabaabsiday.
Tiradaa gedmaysoo
i galaa baxaysee
maxaa goolal igu maqan?
dheeshan laygu goobtee
gefka lagu heshiis yahay
mee gar-sooreheedii?
Geeddu xeer ma leedahay?

Inkasta oo akhristow aalad weliba oo ilaahay subxanahu watacalaye dhigay dunidan ay kasbato qadarka illaahay u igmay, hadana Soomalidu waxay tidhaahda "HUBSIIMO HAL WEYN OO WEYN AYAA LA SIISTA" intaa kagamay tagine waxay ku dareen "intaanad falin ka fiirso", Qiiradii iyo laab lakacii shucuubta reer Somaliland markeliya ku habsaday, waxay dheefeen kumanaan iyo kumanaan khasaarooyin ah oo aanan jeclayn inaan halkani ku xardho sababa jira oo aanan jeclayn in loo fahmo qaab cabasheed awgeed, taariikhdu waxay soo gaadhay 1990, waxaa 21 jirsaday kacaankii Car juuq dheh car juugso, ceeb cidii u aragtaa dhegtay dhiiga dari, hal sanno ka bacdi waxaa dhulka cagta dhigay dhaqdhaqaaqii wadaniga Somaliland oo u higsaday dhulkooga hooyo hayb iyo hayb, waxay u galeen dalka xeelad ay ku dhisnayd cudud militery, taasi oo aanan odhan karin waxaa ka caawiyey quwadaha (super power nationska) oo had iyo jeer la col ahaa shuuciyadii abtirsiga badnayd ee duufaanka dimuqradiyadeed gebiga ka soo tuuray, ma odhan karaa hadii maanta dawladda maraykanka oo lagu tilmaamo quwadda aadamaha dhulka alla dhigay dhinaca dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulsho caawin lahayd ciidamadaasi u hayaamay inay dhulkooga xoreeyan inay la kulmi lahayd hawraarta sifaysan ee Turkiga ka soo baxay ee ku baaqaya in ciidamada kurdiyiinta ah ee buuxiyey magaalada Mosul ee Waqooyiga dalka ciraaq inay si deg deg ah uga baxaan dhulkooga hooyo. balse nasiib daradaasi waa dhinac martay dhadhaqaaqaasi, waxaana ilaahay nasiib u siiyey inay dhulkooga si madaxbanaan u xoreeyan.

Akhristow waxaa la yagleelay qaran aynaan cidinaba uga faalonayn jeclayna inaanan ku soo celceliyo taariikhda uu huwana dhegta iyo isha u macalinka ahayd, qarankaasi oo aynu u dhisanay badbaadinta muggii ka hadhay miisaankeena, ilaahay subxanahu watacalaye wuu inagu gargaaray, waxaana si xishmad iyo karaamo ku jirto ugu mahad naqaya GUURTIDA, WAXGARADKA SIYAASIYIINTA IYO INDHEER GARADKA BULSHADA oo ilaahay ku ilhaamiyey midaasi, maanta waxaynu nasiib u hellay in aynu ku dabaqno dalkeena nidaamka loo yaqaano (JEFFORSONIAN DEMOCRACY), oo aan ogahay in aanay garanayn badiba shacabka lagu dabaqaya halkay sal iyo mug ku leedahay, balse u baahan fahan iyo garanshiiyo mug dheer, jeffersonian democracy, waa jiho weyn (slide direction) oo daah furtay dariiq dheer, jidkana ka saartey nidaam kale oo suuqa kula tartamaayey oo loo yaqiinay (Revolutionism or socialism) nidaamka dimuqraadiyadu wuxuu hadda soo caga dhigtay isaga oo cagaagan dalkeena hooyo, wuxuu u baahanyahay in kabo qurxoon loogu tolo dalkeena hooyo, dadkeenuna fahmaan sida ay ugu dhaqmi lahaayeen, waxaan jecelahay inaan xasuusiyo siyaasiga u baadbaxay in la doortow Maaha jeffersonian democracy hel codka reer hebel oo ha fiirin beri ka maalin, shacabkan Reer Somaliland waa daaleen, fadlan shacabku waxay ahaayeen laajiyiin ama ku hoos noolayeen cadaadis balaadhan in ka badan 21 sanno mana gayaan geediga aad wadaan ee min fadlikum wax ka badala hawraarta aad xanbaarsantahiin, siyaasiga reer Somaliandow maaha jeffersonian democracy i doorta hadii la idooran waayo waxaan noqonaya mucaaridka muuqda ee berritoole, noqo mucaarid daba taagan muxaafidka beri la dooran doono, siyaasiga reer Somalilandow jeffersonian democracy waa mid u heelan danta iyo daryeelka ku dhisan daacadnimada ee dagalka kolba lagu hagaayo, waa mid ilaalilsa xuquuqda muwaadin kasta, waa mid xaffida xuduudaha dal leeyahay, waa mid ka warhaysa, dirirta dahsoon iyo ta taban midba.

Muwaadinka Somalilandow, waxaa iga su,aal ah ma hubtaan halka aad u hiloobaysan, ma hubtaan cidaad beri ka maalin ku hallaynaysaan dantiina hoose, Muwaadinka Somalilandow jeffersonian democracy waa mid kaaga baahan in aad u hesho wakhti dheeraad ah oo aad kaga fiirsato, muwaadinka Somalilandow jefersonian democracy maaha mid ku keli noqotay (ONE MAN ONE VOTE) ee waa ka dheertahay kana balaadhantahay intaasi.

Guntii iyo gebo gebadii ayaan waxaan jecelahay inaan ku soo gunaanado gobyaalka iyo tixda gabayaaga maandeeq waxaa ku ladhan xikmad aad u baahantahiin oo laga yaabe idinka caawin garta dariiqa dheer ee aad u heelantahiin:

markay dani meeday tidhi
maxaan talo meel ka deyey
markaay dani maaha tidhi
weydiiyey qof meel ka deyey
markay dani maaha tidhi
ku laabtay halkaan ka deyey
markay dani maaha tidhi
ka sii deyey meel la deyey
Maxay doqoniiino tidhi
ruuxaan jirin raad ku doon
intaan isku duubay been
ka buuxsaday labada dacal
maxay runi daadi tidhi
maxaaan arrin dawlis dheer
ma diidoo la soo qoqoray
ku daabacan baal madow
ku daawaday meel madow
wax aan duluc sii ridnayn
19. indhuhu ku daraandareen
Maxaan dogob beer is idhi
daruuro u soo sasabay
daryeelka ku maal is idhi
biyuhu uga sii dareen
Wax aan degdeg jeer ku liqay
maxay shishe ii damqeen
kashayda dalooshadeen
muxuu hadba shay dellegan
dareensigu soo tuf yidhi
Ummuuraha duur xulka ah
duunkayga maxaan qodqoday
weydiiyey su'aal da'weyn
dibnuhu iga aamuseen
Dal xiiska maxaan bilqaday
maxaan farax deeddankii
maxaan sida daad jirfaday
maxaan hadba daaf qulqulay
maxaan hadba deex susumay
maxaan deli jeer ka dhacay
maxay jarar soo dedelan
WA BILAAHI TAWFIIQ.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA).

KARACHI, PAKISTAN

Top


Qaladkii iyo saxii ayaa la kala garan waayay.

Waxaan ahay gantaal in badan shiraacu saarnaa. Anigoo ah mujaahidka magaciisu yahay cumar cali gaagaab kana mid ahaa mujaahidiintii s.n.m ee ka soo qayb qaatay halgankii dhiigu ku daatay ee siyaad bare waxaan leeyahay Ciraaq ha guulaysato, Falastiina ha ka xorawdo yuhuuda. Kadib markii aynu ku guulaysanay inaynu Somaliland ka xorayno xukumadii faashiga ahayd 1990kii waxaanu ahayn rag aad u tiro yar iyo dhawrkii kormayl ee hogaanka dagaalka. Isla makiiba waxa dhacday in dadkii tageersanaa mujaahidiintu ay markiiba xiiso dhaceen oo qof waliba halkiisii isku caleemo saaray taasi waxay khaladkii iyo saxii la kala garan-waayay sidaa awgeed waxaan umada reer Somaliland kula talinayaa in ay codkooda doorashada cidda ay u arkaan in ay is beddel keeni karto, iyaga oo wax iska hubinaya. Allaa mahad leh.

Cumar Cali Gaagaab.

Top


Baaq nabad galyo.

Anagoo ah Guddiga wanaag farista iyo xumaan joojinta Somaliland gaar ahaan xarunta Hargeysa iskuna xilsaaray wax ka qabashada iyo dhaqan xumada iyo tageero siinta waxkasta oo wanaaga khuseeya. Iyo nabad galyada. Haddaba waxaankula talinaynaa dadwaynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan in ay si wada jir ah u ilaashadaan nabad galyada iskana ilaaliyaan ama ka feejignaadaan wax kasta oo waxyeeleyn. Kara nabad galyada qaaliga ah ee aynu ku kasbanay hourmarka muuqda ee dalkeena ka gaadhay dhinacyada gudaha iyo dibadaba. Xisbiyada tartamayana waxaanu u soo jeedinaynaa ama kula talinaynaa in aanay tartankooda uga faa’idaysan wax kasta oo jaha-wareer galin kara isku duubnida bulshada iyo amaanka dalka . ololahoodana hal ku dhig ooduna noqdo nabad iyo horumar. Ugu danbayntii waxaanu xukumada ka codsanaynaa in mudada lagu gudo jiro codbixinta iyo hawlaha doorashaooyinka in si xilkasnimo ah iyo feejignaan leh ay iskaga xilsaarto ilaalinta nabadgayada.

Gud. Ibraahim C/laahi Dool.

Top


Waa Maxay Dawladda Habooni, Ururka Wax U Qabo, Maxamad Xaashi Cilmi.

Dakhliga dalka soo galaa waa mid ku filan, haddii si hufan loo farsameeyo. Sidaa darteed waxa ururka “WAX U QABO” uu ku boorinayaa, xisbiga & musharaxa ku guuleysta doorashooyinka madaxtooyada in uu isbedel dhab ah ku sameeyo maamulka. Haddii aan isbedel dhab ahi iman, nidaamka taagani ma noqon doono mid sii jira.

Dakhliga shaxankan ka muuqda waa mid la hanan karo, wax badana kor loo dhaafi karo, marka laga shidaal qaato dakhligii kastamka Berbera ee 2002da, kaasi oo ahaa $13,125,000 . Haddii dakhligan la barbardhigo miisaaniyada guud ee qaranka ee sanadkii 2002da oo ahaa $16,191,000 waxa muuqata in kastamka Berberi soo saaray 81%, waxana isweydiin mudan “maxaa laga filayaa in kastamada kale iyo cashuuraha berriga ee dalka intiisa kale soo saaraan?”

Haddaba, waxa cad in dalku u baahan yahay isbedel & dib u habayn dhab ah oo lagu sameeyo, taasi oo ah in:

La dhimo tirada wasaaraddaha.

Shaqaalaha iyo ciidamada la siiyo mushahar ay ku noolaan karaan
La kordhiyo saacadaha shaqada, oo labada gelinba la shaqeeyo
Si dhab ah wax looga qabto musuq-maasuqa.

Dawlad tayo leh la dhiso, lana dhamaystiro xeerarka & sharciyada dalka.

Guud ahaan, marka la raaco barnaamijka ururka “WAX U QABO” kharashka Dawladda, mashaariicda horumarinta iyo dakhliga guud ee dalka soo gala waxa lagu soo koobi karaa shaxanka hoos ku xusan:

Magaca Kharashka Horumarinta Dakhliga
Miisaaniyada $40,792,000
Keydka $2,558,532
Shaqaalaha $5,698,800
Ciidamada $11,300,000
Wasaaradaha & Madaxtooyada $6,113,765
Waxbarashada (D/Sare, Dhexe,Hoose) $2,000,000
Jaamacadaha $500,000
Caafimaadka - Dawooyinka $150,000
Caafimaadka - Qalabka $1,500,000
Beeraha & Xoolaha $1,000,000
Kaluunka $2,250,000
Maraakiibta Ilaalinta Xeebaha (3) $750,000
Macdanta $1,000,000
Biyoxidheenada $1,500,000
Dayactirka Ceelasha Biyaha (9 Ceel) $267,000
Bedelida Ceelashii dagaalka ku baaba’ay (1988-1990) 34 Ceel $4,080,000
Mashruuca Biyaha Hargeysa $2,500,000
Wadar Guud $23,112,565 $17,497,000 $43,350,532

Hadhaaga baahida kale ee soo baxda lagu qaban karo $2,740,967

Fiiro gaar ah: Shaxankan waxa laga soo dhex saaray barnaamijka ururka “WAX U QABO” qeybihiisii 1aad - 5aad.

Top


ARRIMAHA BULSHADA, Dawada: Waxtarkeeda iyo Waxyeeladeeda (Q. 5aad), Qore: Maxamed X. Daahir (Gudoomiyaha Ururka Farmasiyada SL).

Dhakhtarkaaga ayaa ka mas’uul ah inuu diyaariyo hab aad ku wada xidhiidhaan markuu dawada kuu qoro dabadeed, si ay suurto gal u noqoto in aad la socodsiiso wixii isbedel ah ee ay keento dawadu hadduu yahay waxtar iyo hadduu yahay waxyeelo ama saamayn kale oo u ku yeesho caafimaadkaaga. Isla markaana waxa dhakhtarkaagu ku khasban yahay inuu kaaga digo dhamaan waxyeelooyinka iyo saamaynta dadban ee ka dhalan kara dawooyinka u kuu qoray marka aad isticmaasho, gaar ahaan kuwa ay khatar weyni ku sugantahay. Haddii aynu tusaale ahaan u soo qaadanno, dawooyinka xasaasiyadda liddiga ku ah ee loo yaqaan “Antihistamines” waxay qofka qaata ku keenan lulo, sidaa awgeed haddii ad baabuur kaxayso adigoo dawooyinka noocaas ah qaatay waxa dhici karta inaad gama’do adigoo baabuurkii wada oo ad markaa halis gelsi naftaada iyo dadka kaleba, taas ayaana muhiim ka dhigaysa inuu dhakhtarkaagu si cad oo waadaxa kuugu sheego saamaynta ay yeelan karaan dawooyinka noocaas ah markuu kuu qorayo, iyo inuu kaaga digo inaad kaxayso baabuur ama macidaadka waawyn sida cagafta iyo kiriinada iwm markaad dawadaa qaadato.

Dawada irbadda ah ee la yidhaa “Penicillin” waxa jira dad uu jirkoodu diido oo ay ku keento saamaynta dadban “Adverse reaction”, sida “hypersensitivity or susceptibility” oo xataa laga yaabo inay naftooda halis geliso, sidaa awgeed inta aan qoka lagu mudin dhooskii loo qoray waxa waajib ah in woxoogaa yar oo dawada ah lagaga mudo diirka hoostiisa, dabadeed qadar daqiiqado ah la sugo, hadii ay halkii lagaga muday finan ka soo baxaan taa macnaheedu waxa weeyi inaanu qofkaasi dawada qaadan karin oo u jidhkiisu diiday, markaa waa laga daynayaa, hadiise aanay wax isbeddel ihi ka soo bixin meeshii lagaga muday markaa wuu qaadan karaa oo dhooskii u qornaa ayaa la siinayaa.

Warqadda dawada lagu qoro “Medical prescription” haddii far aan waadax ahayn lagu qoro, waxa laga yaabaa inay ujeedadeedu tahay sir ka dhaxaysa dhakhtarka iyo farmasistka dawada bixinayaa, waana hab gaboobay oo laga soo gudbay, wakhtigan xaadirka ahna qofka buka lagama qariyo dawada u qaadanayo, waxana laga qayb geliyaa arrimaha ku saabsan daweyntiisa. Sidaas awgeed haddii u dhakhtarku isticmaalo fartaa sirta ah waxay noqonaysaa bilow aan u fiicnayn xidhiidhka ka dhexeeya dhakhtarka iyo qofka buka “Doctor-patient communication” waxanay keeni kartaa qas iyo jaah-wareer “Confusion”. Waxa lagama maarmaan ah in dawada lagu qoro far waadax ah oo si sahlan loo akhriyi karo laguna muujiyo habka loo isticmaaslayo, xiliyada la isticmaalayo iyo mudada la wadayo, waxa kale oo aad muhiim u ah in qofka buka lagu dhiirri geliyo in uu dhakhtarka weydiiyo su’aalo ku saabsan dawooyinka u qaadanayo iyo xanuunkiisaba.

Maxaad yeelaysaa haddii u dhakhtarkaagu diido inuu kaaga jawaabo su’aalo ku saabsan dawooyinka u kuu qorayo? Ugu horrayn waa inaad ogaataa inuu dhakhtarkaagu yahay qof bani-aadam ah oo qaldami kara, waxa dhici karta inuu kuu qoro dawo aan ahayn tii kugu haboonayd, markaa ha ka hadhin ee waa inaad su’aasha ku celcelisaa ilaa u kaa jaahil-saaro dhammaan wixii aanad fahmin ee ku saabsan dawada iyo cudurkaba. Diraasad lagu sameeyay Maraykanka ayaa muujisay in 60% aanay macluumaad ku filan ka helin dawooyinka ay isticmaaleen.

La soco.

Top


“Ha Lagu Dadaalo Midnimada Iyo Wax Wada-Qabsiga”, Baaq DHALINYARADA Somaliland ee QATAR.

Waxaanu baaq u soo jeedinaynaa, Xukuumadda somaliland, xisbayada siyaasadda ee Somaliland, shacbi waynaha somaliland, jaaliyadaha Somaliland.

Markaanu eegnay xaaladda doorashada madaxwayne iyo ku xigeen ee foodda innagusoo haysa.

Markaanu eegnay ahmiyadda ay doorashadani u leedahay Somaliland
Markaanu ku xisaabtannay cadawga Somaliland oo lug iyo farasba u fuulaya siduu u waxyeellayn lahaa una dhaawici lahaa midnimada iyo horumarka Somaliland.

Waxaanu usoo jeedinaynaa dhamaan cidda kor ku xusan Sidan:
in la qaddariyo marxaladda waddanku marayo laguna dadaalo midnimada iyo wax wada qabsiga.

In meel loogasoo wada jeedsado cadawga aadka u faraha badan ee ay leedahay Somaliland.

In qofwaliba masuuliyad isasa saaro uuna ogaado inuu dawr ka ciyaari karo waxna u qaban karo haba yaraadee waddankiisa Somaliland.

Jaaliyadaha Somaliland ee dibadda waddanka joogaa inay isku dayaan waajibkooda ku wajahan waddanka u gutaan habka ugu habboon mideeyaanna wax qabadkooda marwal oo ay taasi suuragal tahayba.

Top


Xayiraad guri, dhul banaan iyo xamaam (Gl/mx/T-32/382).

Xayiraad guri, dhul banaan iyo xamaam (Gl/mx/T-32/382).

Maxkamadda Degmada Hargeysa waxay idin faraysaa inaan la kireyn karin, la kala wareejin karin, la xaraashi karin, lana rahmi karin, guriga iyo dhulka banaaan ee lambarkiisu kor ku xusan yahay oo ay leeyihiin ilma X. Axmed Guuleed oo dhaxal ah, ilaa inta aydun amar dambe ka helaysaan maxkamadda degmada Hargeysa.

C/Raxmaan Jaamac Hayaan.

Top


Tacsi

Aamina Xasan Dheel, Caasha Axmed Shunuf Iyo Carruurteeda, C/Raxmaan Axmed Shunuf Iyo Carruurtiisa, Najiib Axmed Shunuf, Maxamuud Axmed Shunuf, Qaaniya C/Laahi Xasan Xasan C/Laahi Xasan dhamaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay alla ha u naxariistee marxuumad Nimco Maxamuud Cali Diriye oo 13/04/03 ku geeriyootay magaalada Hargeysa, iyada oo lagu aasi doono maanta xabaalaha boqol jire, waxaanay marxuumadda Ilaahay uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka geeriyootayna samir iyo iimaan ka siiyo, aamiin.

Top


Baafin

Waxa la baafinayaa ninka la yidhaahdo Axmed Gahayr Axmed inuu maxkamadda gobolka horteeda ku yimaado muddo 15-cisho gudahood ah, muddadaas oo ka bilaabmaysa maalinta la baafiyo iyada oo lala socodsiinayo haddii uu muddadaas ku iman waayo, in ay maxkamaddu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto oo la xidhiidha arrintiisa.
Cabdi Cawil Maxamed.

Top