Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 311 April 15, 2003

HAMBALYO KU SOCOTA DHAMAAN DADWEYNAHA SOMALILAND.

Afar kooxood oo oo siyaasiyiin ah qolaba wax baa iiga muuqday!

Maxay Ahaayeen Guddiga Is-Magacaabay?

RAADYOW MAQALOOCHSE A.A.Garas.

Jilba Dhiig.


HAMBALYO KU SOCOTA DHAMAAN DADWEYNAHA SOMALILAND.

Waxaa shalay 14.04.2003 ay ahayd maalin indhaha u furtay aduun weynaha nabada jecel sida nabada iyo nidaamka leh ee ay u dhamaatay codayntii doorashada madaxweynahu .Waxa dadweynaha somaliland muujiyeen inay u bislaadeen habka dimuqraadiyada , ogaadeena in codkoodu uu yahay ka ay ku muujin karaan cidii ay ku aamini lahaayeen maamulkooda.

Waxaan ugu hambalyaynayaa dhamaan dadweynaha somaliland sida nabada iyo sharafta leh ee ay u guteen xilkoodii. Waxaanan dalka u rajaynayaa inuu helo madaxweyne ku maammula cadaalad iyo xaqsoor ilaahayna garansiiyo xilka uu ummada u qanbanayo.

Waxaan kaloo ka codsanayaa labada musharax ee laga guulaystaa inay ku qancaan tirada codadka ay helaan uguna hambalyeeyaan walaalkooda guulaysta hawsha adag ee kusoo fool leh uguna duceeyaan xilka uu dalka u qaadi doono.

Waxaan kaloo u hambalyaynayaa gudida doorasahada iyo dhamaan cidii ka qayb qaadatay habka wanaagsan ee loo qaban qaabiyay loona ilaaliyay nidaamka iyo kala damabaynta.

Waxaana ay qurba jooga somaliland oo dhan u ahayd maalin farxad weyn leh.

Dr, Mohamud Mohamed Abdillahi, Vantaa , Finland, cirro@dr.com.
 

Top


Afar kooxood oo oo siyaasiyiin ah qolaba wax baa iiga muuqday!

Akhristaha sharafta mudanaw tan iyo la soo noqoshadii qaranimada Somaliland ee 1991-kii waxaynu soo marnay marxaladdo kala duwan oo aad u adag marxlad walibana waxay lahayd ninkeeda, haddaba muddadii aad ka u gaabnayd ee nidaamka xisbiyada badani ka hirgaleen dadlkeena waxa soo baxay siyaasiyiin badan oo qaarkood aanay siyaasadda hore ugu jirin, iyo kuwo siyaasadda hore ugu jiray magacna ku lahaa hase yeeshee muddo ka maqnaa saaxadda siyaasadda haatanse boodhka ka tumay iyo koox saddexaad oo aan saaxadda siyaasadda marnaba laga waayin, kuwaa aan soo tilmaamay oo ka kala muuqda ururadii aan soo gudbin iyo axsaabta heer qaranba, hase yeeshee ninwalba waxa uu leeyahay ujeedo iyo hadaf siyaasadeed oo u gaar ah kagana duwan yahay siyaasiyiinta kale ee dhigiisa ah waxaanay astaamahani ka soo baxaan khudbadihiisa jawaabihiisa, ama ololihiisa waxayna u kala baxaan sidan.

Xin u Siyaasi:- qaybtani waa laba kooxood, A) Waa koox ka soo jeeda saraakiisha milatari ee SNM waxayna baal dahab ah kaga jiraan taariikhdii halganka, iyaga oo qayb libaax ka soo qaatay xorayntii dalka, hase yeeshee waxay ceebtoodu soo baxdaa marka la yimaado saaxadda siyaasadda sababta oo ah waxay aaminsanyihiin inay cidwalba iyagu mudnaanta ka leeyihiin, midwalbana wuxuu gaarkiisa u sii aaminsanyahay inuu isagu mudnaanta ka leeyahay sidaas awgeed cidna lama heshiiyaan, iyaguna ma heshiiyaan.

B) Waa koox dhakhaatiir ah ka dib markii ay arkeen siday bulshadu ugu baahantahay ayey baneeyeen kaalintoodii muhiimka ahayd ee ay bulshada u hayeen.

Xigto U Siyaasi:- Waa koox intooda badani siyaasadda ku soo galay beel, qaarkoodna iyaga oo siyaasadda kacaan ahaa ayey noqotay, sida kaliya ee ay wax ku heli karaan inay tahay hab beeleed iyo cadkii reerkooda oo ay qaataan.

Xarag U Siyaasi:- Waa koox ka soo jeedda qurba jooga Somaliland waxayna soo sawirteen dimuqraadiyadda iyo nidaamka ka jira dalalka reer Galbeedka, hase yeeshee waxa ku daga fahamka arrimaha gudaha iyo xal u helidooda, iyada oo xafiisyadii ay ku lahaayeen dalka gudihiisa, gobolada iyo degmooyinka qaarkood shaqayn la’yihiin hase yeeshee waxay ku dheereeyaan goosashada tigidhka (Go Back) siyaasaddan waxa u gaysay xarago.

Xaqiiq U Siyaasi:- Waa Siyaasiyiin tiro yar, una daacad ah dadka iyo dalka Somaliland hase yeeshee marna may helin fursad ay dalka ku hogaamiyaan, waxyaabaha yar yar ee ay qabteena waa wax aad dadka u anfacday oo marag ma doon ah, waxaanse filayaa inuu jaaniskoodii markan soo dhawaaday.

C/Raxmaan Muxumed Cige (Jabane), Gebiley. 

Top


Maxay Ahaayeen Guddiga Is-Magacaabay?

Waxa aan la yaabay markaan jaraa’idka ku arkay xubno dhan (15) qof oo yidhi waxaanu ka mid nahay (Akadamiyadda Nabada iyo horumarinta Somaliland) oo iyaguna isku magacaabay guddi la yidhaahdo guddida (Anshax marinta iyo ilaalinta nabadgelyada doorashooyinka), noqonayana muraaqibiin dhex-dhexaad ah.

Haddaba waxay dadka qaar la yaaban yihiin guddidan iyadu is-magacwday hawsha ay qabanayaan, iyo cida ay dhex-dhexaadinayaan. Ma waxay qabanayaan hawsha ay u faydanyihiin odayaasha guurtidu ee dhidibada u taagay Somaliland. Mise tolow waxay qabanayaan hawsha loo xilsaaray komishanka qaranka, anigu yaabaye.

Haddaba anigu uma arko hawl halkaa nimankan iyagu is magacaabay uga banaan, waayo arrimaha nabadgelyada iyo ilaalinta goobaha doorashooyinka waxa loo xilsaaray guddida doorashooyinka oo badh-jad khaas ah leh, iyada oo ah garsoorayaal. Muraaqibnimada ay ka hadlayaana waxa jooga goob kasta muraaqibiin ay xilsaarteen saddexda xisbi iyo goob joogayaal ajanabi ah iyo kuwa gudaha ahiba jiraan, iyaga oo marag furi doona siday wax u dhaceen.

Hadduu xisbi wax tirsadana waxa loo marayaa sifaha sharciga ee ku tilmaaman sharciga lambarkiisku yahay (No: 20) ee doorashada golayaasha deegaanada iyo madaxtooyadda, markaa Waxa la isweydiinayaa ma sharciyadiisa doorashooyinka loo dhigay iyaa la laalay? Ma xisbiyadda tartamayaa magacawday oo yidhi komishanka noo bedela? Ma komishanka xilkuu hayey ku wareejiyey? Haddayse ku wareegeen sharcigay u cuskadeen aaway?

Gebagebadii waxaan u arkayaa dadka badanina ila qabaan in dadkan is magacaabay ay yihiin arbushdoon iyo khal khal sida dhaqanka u ahna akadamiyaddu waxay ka shaqeeyaan in ay abuuraan khilaafyadda bulshada iyo iska horimaadyada, iyaga oo iska dhiga inay yihiin dad dhex isku soo dhaweynayaan xisbiyadda iyo kooxaha, balse run ahaantii waa haya’el aan la garanayna sharciyadeeda shaqo iyo dhaqankeedaba.

Waxay sheegtaan nabad meel ay nabad kaga shaqeeyaan maanaan arag manaanaan maqal iyo meel ay kaga qayb galeen nabadayn bulsho. Waxay ku shaqaystaan raasamaal ayna lahayn, waxaan u soo jeedinayaa xukuumadda, dadweynaha iyo waxgaradka reer Somaliland-ba id dib u eegis lagu sameeyo waxay ku shuqul leeyihiin, baadhitaan ka dibna laga go’aan qaato oo ugu dambayn go’aanadaka soo baxa nimankaas anagu haddana nahay garabka dhalinyarada ee UDUB Awdal uma hogaansamayno ee hala socoto cida ay khusayso

Bashiir Ahmed Cigaal, Hargeysa.

Top


RAADYOW MAQALOOCHSE A.A.Garas.

Halkani waa Radio Ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan yaqaanka iyo ilaaq miiqa. Akhyaartayada indhaha kuullanow waxaynu soo gaadhnay aminkii aan wararka dunida kaga sanqadhin jirnay, waana kan weriye gacayl.

Warkii oo kadalooba.

Foodka shankaroonland oo shinkii galay ayaa hiirtii waaberi ee shalay sanduuqyada codka lagu quraaciyey oo qof waliba qawlalka warqad ka xurbiyey, ka dib markii loo cadaan joogsaday codbixin aan cidna ku dhiman doorashadaas oo ahayd nooca madaxyuubnimada lagu naqaysto ee ay isticmaalaan dawladaha kibray. Balse Jamhuuriyadda shankaroonta oo iyadu kibir dhaaftay ayaa caashaqa cod ku miis miistay, caashaqaas oo loo qaybinayey, saddex wiil oo ilma shankaroon ah, saddexda wiil oo, ah rag aan kala dhicin, waxay kala yihiin Daahir Yare, Faysal Yare, iyo Axmed Yare, saddexdaas oo doobta ka sinnaa waxay indhawaalahanba ahaayeen baarqavada kala sheema saddexda kadin ee xusbiyadda ee kala ah Gacan-qaad, UDUBle, iyo Wanka iyo miisaanka kuwaas oo ahaa fadal dheertii ururnimada ka soo doogtay, kuwaas oo u soo gucleeyeen ku guulaysiga kursiga ibtilaysan ee madaxyuubka, kaas oo jiidkii waaberi ee shalayto caashaqa dadka lagu cidhbiyey kaas oo ilaa imika id calfaday la ogayn, ayaa weriyayaasha sanduuqyada ku filiqsan nooga soo warama ayaa codeeyay in codbixintaas ka qabsantay guud ahaan gadh iyo gafuurba gollaha shankaroonlaand, marka laga reebo, ceelka Laascaanoole iyo nawaaxigiisa oo caashaqa ka cadilmay kaas oo codku ku gufaysanyahay, iyada oo la cadeeyey in codadkii gobolkaas loo soo maydhayo.

Walaw la sheegay in dadka xoogiisu codadkoodii Caynabo ku soo dhaamiyeen, tuulooyinka Kurtimaalay, Kariiralay, lafta Sheekh, karinta Shaarub-naagood iyo afarta marba in foodku hangaleeyey, magaalada Burco oo si mirqaanle u codaysay ayaa lagu soo waramay in Halsanduuq warqadku mengeday oo saxasho u dhiman gaadhay codkaas sanduuqu ku mergaday oo loo malaynayo inuu ka yimid qof saddexda xisbiba ka wada qayilayo, sidoo kale saddex sunuuq Oodweyne laga dhaamin lahaa ayaa iskood u afdhuunyaaleeyay.

Magaalada Berbera ayaa laga sheegay in ay si gobonimo leh y codaysay oo codadkeeda geelayaashu xaamaaleen.

Magaalada Boorame ayaa lagu soo waramay in dadkeedu si xilkasnimo leh u codeeyeen, magaalada Gabiile ayaa lagu soo waramay insi isxilqaanle looga codeeyey, magaalada Hargeysa ayaa iyana sidii gabadh weyn u codaysay. Codadkaas waxa u aftaxay saddexda nin ee loo codeeyo.

Haddaynu yara dacaamino faan bugaaxa xisbiyadan.

Saddexdan xisbi oo aanu jirin mid kaliya oo yidhi waxbaan xumaynayaa ee dhamaantoodba, wannaaga ku luuqaynayey, hadaynu eegno xisbiga UDUBle oo ah ka aad aragteen ee faraarada lahaa, waa ka ugu guunsan, asalkiisana waxa umushay xukuumadda shankaroonta raggii gacanta ku hayey waxa uu sheegtay inuu dalka nabad ka dhergin doono, caanana u ka dibirin doono, doorna bidi doono saaxiibka wadamada jaarka iyo is-furanka ganacsiga, musharaxa UDUBle oo ah Daahir yare oo ah ka aad aragteen, ninkaas oo lagu tilmaamay inuu yahay nin af-gaaban oo akhlaaqdu qanjaha joogto, kaas oo muddadii uu xilka hayey iyo intii uu ku xigayba dalka ku faro adaygay oo dheg xumo ka xas-laday Daahir Yare oo sanadka hor hogaanka dalka u hadhay kaas oo dad badani ka werwersanaayeen inuu ku guuldaraysto, hogaanka geediga qaranka, run ahaantii noqday wiil xilkas ah lehna xeel siyaasadeed oo uu dal ku hogaamin karo.

Tusaale ahaan mudadii uu xilka hayey wuxuu ku guulaystay doorashooyinkii dawladaha hoose iyo tan madaxtooyada in markii ugu horeysay ay dalka ka hirgasho iyo hirgelinta hanaanka xisbiyadda UDUB-ba uu ku soo faro-adaygay intii uu xilka hayey dhibaatada ugu weynayd ee ka hortimid waxay ahayd weerarkii lagu sigay ee kala kulantay Laascaanood, markii uu booqashada ku tagay bishii Disamber 2002, iyo kala qaybsanaantii xisbiga UDUB dhexdiisa.

Kayga ay siyaasada isku xinin jireen waxay ku xaman gacansaar uu la yeeshay midka ka mid ah garabyada Buntlaan isku diririya iyo inuu ku guulaysan waayey xuduudii Itoobiya iyo xidhiidhkeeda siyaasadeed, kaas oo ay u tirin jireen dhanka Djibouti iyo tuhunka carbeed.

Inkasta oo uu xilli aan badnayn xilka hayey dadkuna bisayl nabad jacayl u bisilyahay walaw duruufo dhaqaale oo aad u adkaa dalka shakaalay haddana Riyaale wuxuu ku lib yeeshay xasilinta xunbadii siyaasadeed ee kacsanayd.

Eedaymo dhiilaysnaa oo kaambaynka loogu adeegsaday wuxuu kaga soo dabaashay hayinimo qof ahaaneed, guud ahaan intii uu xilka hayey mucaaridku waxay noqdeen kuwo uga fara qabaw sidii ay hogaamiyihii mucjisada ahaa Maxamed Ibraahim Cigaal, kaas oo la odhan karo waa wiil shiraban ama siyaasada u laylyan.

Si kasta ha ahaatee haddiiba xisbigiisu ku guulaysto doorashadan eegan waxa la odhan karaa waa xisbi leh xamil ama sal uu xukun qaran ku xejin karo.

KULMIYE

Xisbiga KULMIYE oo ah ururkii ugu dambeeyey ee la diiwaangeliyo kaas oo si cimri deg degle u xoogaystay oo xawaare saayid ah ku soo shaacbaxay, kaas oo noqday xisbiga kaliya ee bajiga ama lafihiisa uu uga baqdo xisbiga UDUB.

Kaas oo uu ku haab-haabtay doorashadii dawladaha hoose, kaas oo intii ka dambaysayna UDUB la qaybsaday ururadii ku hadhay doorashada.

Xisbiga KULMIYE oo run ahaantii ah ka saamaxay ee u badheedhay hanaanka loolan siyaasadda dalka, isaga oo baabi’iyey dadyawgii ka maagay in xisbiga talada haysta ay u babac dhigaan iyo dadyawgii aanay u qudh-qudhsanayn in doorasho dhacaysoba, kaas oo noqday miisaanka siyaasadda dalka, dheeliga ka debciya musharaxa KULMIYE oo ah nin loo tuhunsanyahay oo taageerayaashiisii aanay rag-ba ku labayn, dadkuna aad ugu xurmeeyo xilliyaddii halganka ururkii SNM ee uu sida laxaadka ah ugu caan-baxay, muddadii uu xisbiga KULMIYE soo hogaaminayeyna wuxuu muujiyey mudakarnimo, siyaasad dhiiran, kaambayn xarrago leh iyo horukac xawaare leh.

Carqalada kaliya ee ka werwerin jirtay waxay ahayd isticmaalka awoodda iyo hantida dawladda ee xisbiga UDUB loo adeegsado. Walaw kaambaynka xisbigiisu noqday mid kaga sanqadhiya dhamaan magaalooyinka dalka oo dhan, dadka siyaasadda isku garbiyaana waxay ku xantaan inuu yahay nin siyaasadda ku caban, ama ku damqada oo dhiirashaduna ka naaqusantahay. Si kastaba ha ahaatee Siilaayo waxa lagu tilmaamaa inuu yahay hogaamiye leh karaamo uu dalku xukumo iyo daacadnimo horumar uu ku hindiso, haddiiba uu xisbigiisu noqdo ka ku libyeesha doorashada, waxa la rumaysan yahay in dadkeed, dalkeed iyo dabacadeed-ba hayo.

UCID

Xisbiga UCID oo ah ururkii ugu horeeyey ee is-diiwaangeliya waa xisbi leh ujeedooyin iyo qorshayaal ka duwan labada kale xisbigani waa mid ay u dhamaystirantahay dhoomaha iyo dhismihiisa xisbinimo. Waana xisbiga hanaankiisa iyo hogaankiis isla haystaan afkaartana uu aaminsanyahay oo ah Sinaansho iyo Daryeelka caddaalada, kaas oo qaabkaasi leeyahay farsamada loo yaqaano (World Fear) ee dadka oo dhan baahidiisa kafaalo qaata, hanaankan oo ah mid aan wali Afrika soo gaadhin oo ku kooban wadamada Yurub intooda badan, hirgelinta hanaankan oo ay soo saareen qamaamuurta qorshayaasha ka horumaray.

Top


Jilba Dhiig.

Gabadha dhakhtaradda ah ee Biixi dultaagani markii ay eegtay werwerka dareenkiisa ka muuqda waxay mooday inuu xaaladiisa caafimaad ka werwersanyahay, waayo gacantiisa bidix ee uu jaleecay, waxa kaga mudnaa siliij, laakiin Biixi dhibaatadda oogadiisa ka muuqata waxa kaga damqasho badnaa far-galkii ka lumay oo ay waayidiisu ku kicisay xusuus iyo ladh dareenkiisa damqay.

Runtii Biixi inkasta oo uu dhibaato badan soo maray, haddana dhibaatadooda ma ilawsiin xaaladiisii, waayo iyo xusuuso jacaylkii Xayaad.

Biixi waxa subixii dambe cusbitaalka ku soo maray dhakhtarkii qaabilsanaa waadh-ka uu jiifo, waxaana laga qoray warbixin, waraystay, dhibaatadii la soo kulantay intii uu doonta saarnaa iyo intii uu badda dhexdeeda ku jiray ee ay doontu quustay, isla markaana waxa la weydiiyey, sababta ku keliftay inuu xagga Yamenta u soo tahriibo, wuxuuna si tab-caanimo ka muuqato ugu jawaabay (Waad ogtihiin dhibaatadda ka taagan dhulkii Soomaaliya, taas ayaana igu keliftay inaan dhibaatadda intaa le’eeg u soo beer-dhigo).

Biixi markii uu cusbitasalkaku jiray ilaa todobad ayuu iska baxay, isaga oo aad u laddan, laakiin waxa loo aqoonsaday qaxootinimo inuu dalka ku joogo, balse markii uu muddo ilaa lix bilood ah joogay ayuu af-carbeedka si wanaagsan u bartay, waxayna aqoonta ahaa ee uu hore uga soo bartay iskuulka sida darteed maalintii dambe ayuu yar oo Sanca ah ka helay shaqo yar oo macalinimo ah, aanu wax buuran ka kama qaadan jirin,haddana waxoogaa nayaayiro ah ayey gelisay dareenkiisa nololeed, laakiin Biixi inkasta oo ay naftiisu waxoogaa far-xad iyo firfircooni ah dareen tag haddana waxaan mar qudha naftiisa fakaag u diiday xusuus damqasho badan oo maskaxdiisa sida telefoonadda ugu soo dhacaysa, taas oo uu marba xusuusto gabadhii Xayaad oo markii ugu dambaysay uu ogaa iyada oo ay xaaladeedu meel xun marayso. Hase yeeshee marka laga yimaado xusuusta damqaysa xiligan Biixi qorshaha uguma jirto inuu Xayaad dib ugu hawl-galo, wuxuuse ku hammiyayaa oo aad ugu weyn sidii uu dalka Yemen uga gudbi lahaa, wuxuuna hiyiga ku qabtay sidii uu u geli lahaa dalalka reer Galbeedka oo wakhtigaa albaabada u furay qaxootiyadda ka soo haajira dunida qalalaasuhu ka taagan yahay, sida Soomaalida.

Gabadhii Saynab ee ay Biixi isku barteen doonta dhexdeeda waxay iyana ka mid noqotay dadkii ka bad-baaday doontii qarqantay, isla markaana waxay gashay magaalada uu Biixi joog ee Yemen, halkaas oo Biixi iska heleen, isla markaana si fiican isugu sii barteen oo ay noqdeen dad aad isugu dheer oo ay macruufad weyni dhexmartay, iyaga oo noqday walaalo Ilaahay oo isu hilooba.

Run ahaantii Saynab waxay ahayd gabadh aad u dabeecad wanaagsan, isla markaana midabkeedu ahaa mariin-dhalaal casaan xiga, sidoo kalena dhererkeedu waxa uu ahaa meel-dhexaad qoton leh oo ay ishu meel-fog kaga dhacayso, islamarkaana waxa intaa u sii dheeraa waxay ahayd qof firfircoon oo kaftan iyo jareexo badan, balse may ahayn dadka calool-kusidka leh ee had iyo goor uurka xun, sidoo kale may ahayn dadka weji macbuuska ah ee haddii ay wax kuu qabaan iyo haddii aanay kuu qabin-ba wejigaoodu ku didanayo, ee waxay ahayd qof furfuran oo markasta oo aad u timaado kugu qaabilaysa weji furan iyo weedh macaan.

Ta kale Biixi iyo Saynab maadaama ay isla soo mareen duruuf gaar ah oo aanay isla soo marin Soomaalida kale ee Sanca joogtaa waxay isku noqdeen dad si gaar ah isugu soo hilooba oo ay sheekadu si gooniya isugu qabato, taasina waxay keentay inay noqdaan laba qof oo dadka iska xiga oo xataa mararka qaarkood dhinaca nolosha iyo hawlaha ku soo kordha iska caawiya.

La Soco.

Top