Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 312 Date April 16, 2003

Weftiga Goob-Joogayaasha Koonfur Afrika Oo Markii U Horeysay Tafsiir Ka Bixiyay Qiimeynta Doorashadii Somaliland Ka Dhacday.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Warbixin Qabyo Ah Ka Bixiyay Hawsha Tirinta Codadka.

Kooxaha mucaaridka Ciraaq oo u fadhiistay shir ay ku dhisayaan Dawlad ku meel-gaadhan.

Doorashooyinka barlamaanka Nayjeeriya oo Ay ka dhasheen Rabshado Dhiig ku Daatay.

Tirinta Codadka Burco Oo Loo Hakiyay Muran Ka Dhex Aloosmay UDUB Iyo KULMIYE.

Gebo-Gebadda Tirinta Codadka, Falaadha Ku Taagan Xisbiyada Iyo Tibaaxaha Ilaa Hadda Soo Yeedhay.

Abwaan saxardiid iyo Riwaayadii "Gar-diid waa Alla diid."

Barkhad Cas iyo Diid-madiisii Gumaysiga.

QARNI (Gabay), Cali ismaaciil Carab (Cali Duulduul).

Jilba Dhiig Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale : 22aad.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Warbixin Qabyo Ah Ka Bixiyay Hawsha Tirinta Codadka.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Sidi sididaada mooyee dhul u dhacaaga hubso.

Garab la’aanta sadaam iyo gardarada W.Bush maxay ku danbayn.

Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawlada reer miyiga, Abwaan Cali Mooge, Q: 2aad.


Weftiga Goob-Joogayaasha Koonfur Afrika Oo Markii U Horeysay Tafsiir Ka Bixiyay Qiimeynta Doorashadii Somaliland Ka Dhacday.

Hargeysa (Haatuf): Weftiga reer Koonfur Afrika ee Somaliland ku sugan oo ka mid ah Goobjoogayaasha beesha Caalamka ee ka soo qaybgalay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday Isniintii doraad, ayaa shalay markii u horeysay tibaax ka bixiyay qiimeyntooda la xidhiidha sidii ay u dhacday codbixintii doorashadu.

Weftigan oo ka kooban hay’addo iyo machadyo kala duwan oo ijtimaaci ah, oo ay qaar ka mid ahi yihiin tallo-qabeen, waxa ka mid ah; Machadka Doorashooyinka ee Afrikada Koonfureed, Machadka Caalamiga ah ee Turxaan bixinta (IGD) iyo xubin ka tirsan xisbiga ANC ee haya tallada Koonfur Afrika, waxaanay weftigaasi war-saxaafadeed ay shalay soo saareen ku iftiimiyeen sidii ay u qiimeeyeen doorashadii dhacday, waxayna ugu horeyn tahniyad iyo bogaadin u jeediyeen dadka reer Somaliland, iyagoo taa la xidhiidhiyay sidii wacnayd ee ay u footeeyeen. 

“Waxay noo ahayd waayo-aragnimo cajiib ah in aanu idin kala qayb-qaadano dedaalka aad ugu jirtaan in aad dhistaan mujtamac dimuqraadiyadda isku hogaamiya,” ayay yidhaahdeen, iyagoo intaa ku daray; “Inkasta oo ay dalka Somaliland ku xeeran yihiin duruufo dhaqaale iyo kuwa ijtimaaci ah, haddana waxay weftigayagani arkeen in ay dadweynaha dalkan ku nooli si fiican u muujiyeen rabitaankooda.”

“Waxaanu aaminsan nahay in ay doorashadani faa’iido u keentay qabyada dimuqraadiyadda.” Sidaa waxa tidhi, Mrs. Shannon Field oo ah madaxa weftiga goobjoogayaasha Koonfur Afrika ee Somaliland ku sugan, laakiin weftiga reer Koonfur Afrika, waxa kale oo ay yidhaahdeen, “Annagoo ka socona dal Afrikaan ah, waxa noo sharaf ah in aanu Somaliland kala qayb-galno marxaladdan taariikhiga ah ee ay cagaha u dhigayaan.”

Weftigu waxa kale oo ay si gaar ah ugu mahad-naqeen guddiga doorashooyinka, xukuumadda iyo gaar ahaan dadka reer Somaliland sida bay yidhaahdeen, “Fursadda noogu siiyeen in aanu kala qayb-galno taariikhda cusub ee ay dhidibada u taagayaan, laakiin tafaasiisha ku saabsan wixii aanu aragnay oo tifaftiran, waxaanu u gudbin doonaa guddiga doorashooyinka Somaliland iyo dhinacyadii kala duwanaa ee weftigayaga gacan ka siiyay in ay gutaan xilkooda goobjoognimo.”
Waxa kale oo ay weftigu war-saxaafadoodkooda ku yidhaahdeen, “Waxaanu dadka reer Somaliland u rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan, annagoo ka filayna in ay sii adkayn doonaan degenaanshahooda iyo hannaankooda dimuqraadiyadeed.”

Weftigu, iyaga oo si gaar ah uga warbixinaya sidii ay goobjoogayaashoodu uga hawl-galeen ka qayb-galkii doorashada ee gobollada iyo degmooyinka, iyo waxyaalihii ay arkeen, waxay yidhaahdeen; “Weftigayagu wuxuu ka koobnaa 10 xubnood, waxayna maalintii doorashada kala joogeen goobaha gudaha magaalada Hargeysa, nawaaxiga gobolka Hargeysa, Gobolka Awdal, Gobolka Saaxil iyo Gobolka Togdheer, waxaana xubnaha weftiga u suurto-gashay in ay gobol kasta goobjoog ka ahaadaan sida dadku uga coddeynayay ugu yaraan 15 goobood gobolkasta, iyadoo ay muraaqibiinta goobaha tagey ka koobnaayeen laba-laba, waxayna ugu yaraan xaadir ka ahaayeen hal goob markii codbixinta la bilaabay, markii la xidhay ee ay dhammaatay iyo markii la tirinayay, laakiin intaa waxa dheeraa in aanu Ceerigaabo u dirnay hal qof oo weftigayagaa ka mid ah oo uu weheliyay xubin ka tirsan kooxda ‘Inter Africa’ oo ka mid ah goobjoogayaasha doorashada.”

Ugu dambeyn weftiga reer Koonfur Afrika, iyagoo hoosta ka xariiqaya waxyaalihii ay ilaa hadda arkeen, waxay yidhaahdeen; “Guud ahaan goobjoogayaashayadu waxay arkeen in habka coddayntu ahaa mid u socda si nabadgelyo ah, nidaamsan, oo aan mugdi ku jirin, wayse jireen dhibaatooyin farsamo oo soo waajahay goobaha qaarkood oo aanu aragnay, laakiin guud ahaan goobaha coddaynta waxa la furay wakhtigii loogu tallo-galay, coddayntuna waxay u socotay sidii loo qorsheeyay, iyadoo ay cod-bixiyaashu u yimaadeen goobaha cod-bixinta si aad ah oo xamaasad leh, siiba dumarku, waraaqaha cod-bixintana markii la tirinayay waxa loo tiriyay si cad oo muuqata,” ayay ku soo geba-gebeeyeen war-saxaafadoodkooda.
 

Top


Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Warbixin Qabyo Ah Ka Bixiyay Hawsha Tirinta Codadka.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Axmed Xaaji Cali (Cadami), ayaa shalay maalin-badhkii soo qadimay warbixin qabyo ah oo ku saabsan halka ay marayaan hawlaha doorashadii dhacday, isagoo tafaasiil ka bixiyay halka ay marayso hawshii tirinta codadku, laakiin ma sheegin wax dhibaato ama carqalad ah oo ilaa hadda ku soo kordhay hawsha doorashada oo iminka geba-gebadeedii lagu jiro.

Axmed X. Cali oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, waxa uu ka gaabsaday inuu sharax ka bixiyo sida ay saddexda xisbi ee tartamay ilaa hadda ugu kala horeeyaan natiijada codadka ee tirintooda lagu guda jiro, waxaanu ugu horeyn gudoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranku hadalkiisa ku bilaabay; “Malaha maanta iga filimaysaan in aan halkan ka sheego sidee codadkii la bixiyay loo kala helay ama loo kala badsaday, waxayna ila tahay inay taa iiga war roon yihiin Axsaabta oo ay wakiilladoodu xaadir ku ahaayeen goobaha codadka lagu tirinayo.”

Inkasta oo ilaa hadda aan si guud iyo si gaar ah toona loogu dhawaaqin natiijada codadka iyo sida ay xisbiyadu u kala heleen, haddana waxa jira warar la soo tuurtuuray oo tacliiq ka bixinaya sida ay xisbayadu wax u kala heleen meelaha qaarkood, laakiin gudoomiyaha guddiga doorashooyinka oo arrintaa ka hadlay, wuxuu yidhi, “Waxyaalaha la isla dhexmarayo ee sheegaya sida ay meelaha qaar codadka u kala heleen xisbayadu ma aha wax si rasmi ah uga soo baxay guddiyada doorashooyinka, laakiin iyadoo aanay hawshii cod tirintu aanay weli dhammaan ayay ka soo baxday muraaqibiinta axsaabta.”

Intaa kadib, wuxuu gudoomiyuhu ka waramay halka ay arrimuhu marayaan, isaga oo ugu horeyn sheegay in ay degmooyinka iyo gobollada qaar sanaaduuqdii soo wada xeroodeen, laakiin aanay meelaha qaar soo xeroon, wuxuuna sheegay in goobaha degmooyinka qaarkood ay sanaaduuqdii iyo hawl-wadeenadii gacanta ku hayay roobab xayireen.

“Dhammaan goobihii cod-bixin ee gudaha caasimadda Hargeysa, sanaaduuqdii way soo wada hoydeen, waxaana lagu soo tiriyay goobihii codbixinta, codbixintuna waxay joogsatay lixdii fiidnimo ee shalay (doraad),” ayuu yidhi gudoomiyuhu, laakiin wuxuu intaa ku daray marka laga reebo 97 sanduuq oo gudaha Hargeysa ah in ay sanaaduuqdii kale ee degaamada dibadda Hargeysa aanay weli soo xeroon, ayna filayaan in ay xalay soo hoydaan, kadibna la bilaabo tirinta guud ee gobolka Hargeysa.

“Haddii uu jiro wax muran ah, sida uu sharcigu dhigayo wakiilka xisbiga ee arrin ku qanci waayaa, waxa uu qabo waxa uu ku soo qorayaa warqadda goobta lagu kala saxeexday,” ayuu yidhi Axmed X. Cali (Cadami).

Degaamada roobku saameeyay waxa ka mid ah degmada Baligubadle oo Cadami sheegay in 4:30 galabnimo la xidhay goobaha codbixinta Baligubadle, taasna ay ugu wacnayd roobab culaysiyay, isaga intaa ku daray in Baligubadle ay hayaan ilaa hadda sideed goobood sanaaduuqdood.

“Salaxleyna sidaas oo kale, sideed goobood ayay sanaaduuqdoodii soo hoydeen, intii kalena goobihii ayay ku maqan tahay, sidoo kale Gabiley ilaa hadda waxa soo hoyday 22 sanduuq, waxaana ka dhimman 38 sanduuq, warkaana waxay soo gudbiyeen 9:30 maanta (Shalay), Faraweynena 9 sanduuq baa soo hoyday, waxaana debadda kaga maqan 8 sanduuq,” ayuu yidhi Gudoomiyuhu, laakiin dhinaca Awdal isagoo ka hadlaya wuxuu yidhi; “Boorama dhammaan sanduuqdii doorashadu way soo hoyatay, waxaana gacanta lagu hayaa tirintii, laakiin Baki waxa maqan 4 sanduuq intii kala way soo xerootay, Lughayana dhammaan sanaaduuqdii way soo xerootay.”

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in degmada Saylac, sanaaduuqdii soo wada xeroodeen, laakiin goob ka mid ah goobaha codbixinta Saylac ayuu sheegay in muran ka abuurmay sanduuqii la geyn lahaa, kadibna la joojiyay. Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay Berbera soo wada hoydeen sanaaduuqdii, Caynaba-na qaar soo hoydeen iyo degmada Ceerigaabo oo uu sheegay in boqolkiiba konton soo hoyday, sidoo kale degmada Gar-adag way soo wada hoydeen sanaaduuqdii iyo degmada Ceel-Afweyn oo uu sheegay in ay ilaa hadda soo xeroodeen 19 goobood, 12-na ay ka dhiman yihiin.

Sidoo kale magaalada Burco, goobihii codbixinta ee magaalada gudaheedu way soo wada xeroodeen iyo Buuhoodle oo uu sheegay in 6 sanduuq mooyee ay intii kale soo xerootay, sidoo kale degmada Oodweyne ayuu sheegay in ay sanduuqdii soo xeroodeen.

Intaa kadib, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranku, waxa uu ka hadlay xaaladii doorashada iyo sidii ay wax u dhaceen, wuxuuna ku tilmaamay in ay ka dhigan tahay maalin ciideed, isagoo yidhi, “Maanta waxay guddiga qaranka ugu muuqataa in ay Somaliland u tahay munaasibad ciidda, waxayna istaahishaa in lagu darro maalmaha xuska Qaranka.”

Laakiin Cadami, waxa uu hadalkiisan u cuskaday sida nabadgelyada ee ay doorashadu uga dhacday Somaliland, isagoo isbarbar dhigay Somaliland iyo dalka Nayjeeriya oo ay toddobaadkan horaantiisii ka dhacday doorashooyinkii Baarlamaanku, balse ay boqolaal qof ku dhinteen, kadib markii ay qulqulatooyin dhexmareen taageerayaashii xisbiyada tartamayay, halka aanay Somaliland doorashadu keenin wax rabshad ah. Hase yeeshee Gudoomiyuhu, waxa uu xusay in ay koleyba iska jiri karaan cabashooyin yaryar, isagoo tilmaamay in maalintii codbixintu socotay ay jireen cabashooyin yaryari oo ka imanayay axsaabta qaar, balse ay markiiba ka daba tegayeen, la iskana qancinayay hadba wixii soo baxa ee dareen ah, isaga oo yidhi; “Arrimaha yaryar ee soo baxa sharci baa ka yaal, balse arrimo yaryar oo aan cidi uskageed ahayn ayaa muran badani ka dhacayay.”

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinku, isagoo is barbar dhigaya doorashadan iyo tii hore ee dawladaha hoose, wuxuu yidhi, “Doorashadan waa doorasho tii hore ka hufan, cadaaladna uga dhow, isla markaana cilmi ahaan iyo waayo-aragnimo ahaan waxay labada doorasho isu yihiin nin dugsi dhexe ka baxay iyo nin dugsi sare ka baxay.”

Waxa kale oo uu gudoomiyuhu sheegay in dhammaan goobihii codbixinta doorashada oo ay tiradoodu gaadhaysay in ku dhow 900 oo goobood aanu meel qudha ka dhicin wax buuq iyo is-qabqabsi ahi, wuxuuna yidhi; “Intaa meelood ee la soo sheegay iska daa wax kaloo cid cid riixday ma jirto, waxaanad moodaysay in ay dadku yihiin dad go’aan soo gaadhay oo goostay in ay nabadgelyo ku codeeyaan.”

Sidoo kale gudoomiyuhu, waxa uu amaanay kaalinta ay saxaafaddu ka qaadatay hawlaha wacyi-gelinta doorashada iyo xisbiyada tartamaya oo uu iyagana ku tilmaamay in ay dareen bisil kaga qayb-qaateen tartanka doorashada, taasna waxa uu ku tilmaamay waxaan Afrika ka dhicin, isagoo amaan ballaadhan u jeediyay hogaamiyayaasha iyo hawl-wadeenada axsaabta. Sidoo kale, wuxuu amaan iyo mahadnaq u jeediyay goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashada ka qaybqaatay iyo warbaahinta caalamka ee inoo yimid. 

Top


Kooxaha mucaaridka Ciraaq oo u fadhiistay shir ay ku dhisayaan Dawlad ku meel-gaadhan.

Baqdaad (W. Wararka) Kooxaha iyo axsaabta kala duwan ee dalka Ciraaq ayuu shir uga bilaabmay magaalada Naasiriya agagaarkeeda oo ku taala dhinaca koonfureed ee dalkaasi waxaana la sheegay in kooxahaas oo hore mucaarad ugu ahaa dawladdii Sadaam Xuseen ah inay isku waafaqeen shir ay isugu yimaadaan toban cisho gudahood, sida ay uga soo qayb galaan kooxaha weli ka maqan shirku, si loo dhiso dawlad wada jir ah oo ku meel gaadh ah.

Bayaan ay kooxuhu shirkooda ka soo saareen shalay waxay ku sheegeen in nidaamka lagaga dhaqmo dalka Ciraaq uu noqon doono mid federal ah oo dimuqraadi ah iyaga oo intaa ku daray in aanu dalka Ciraaq ka talinaynin qof dibada laga soo magacaabay, isla markaana waxay farta ku fiiqeen inay lagama maarmaantahay baabi’inta xisbul bacsiga hanti wadaaga ah oo dalka ka soo talin jiray muddadii uu xukunka hayey Sadaam Xuseen, isla markaana waxay sheegeen in Ciraaqiyiinta iyo ciidamada maraykanka iyo Ingiriiska inay lagama maarmaantahay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen xasilinta nabadgelyada.

Waxa kale oo ay bayaankooda ku sheegeen in laga hortago iska horimaadyada siyaasadeed iyo inay dadka reer Ciraaq isu habeeyaan sidii ay dalkooda u hanan lahaayeen iyo inay samaystaan dastuur cusub iyo nidaam dalkaa lagaga dhaqmo.

Wakiil ka socday dawladda Maraykanka oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in dalka Maraykanku aanu niyadda ku hayn inuu xukumo dalka Ciraaq, balse wuxuu carabaabay inay doonayaan sidii dalkaa looga samayn lahaa nidamaa cusub shirkan oo lagu qabtay meel 375km u jirta magaalada Baqdaad waxa ka qayb qaatay ilaa 80 xubnood oo kala socda kooxaha shiicadda, suniyiinta, kurdiyiinta, iyo kooxo taageersan in la soo celiyo boqortooyaddii dalkaas ee xukunka laga qaaday 1958-kii.

Shirkaa waxa qaadacay golaha sare ee kacaanka Islaamiga oo ay xaruntiisu tahay dalka Iiraan iyaga oo ku andacooday inaanay ka qayb galayn shir uu hogaaminayo General Maraykan ahi, waxaana la sheegay in intii uu shirku socday ay mudaharaad dhigeen kumanaan shiico ahi, oo ka soo horjeeda joogitaanka Maraykanka ee dalkaasi.

Xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta ayaa uug baaqay kooxaha reer Ciraaq inay u midoobaan sidii ay Ciraaq lugaheeda iskugu taagi lahayd.

Dhinaca kale wararka ka imanaya dalka Ciraaq ayaa sheegaya inay ciidamada Maraykanku sii wadaan sidii ay awoodooda ugu fidin lahaayeen dhamaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Ciraaq, balse waxa la sheegay inay weli dagaalo goos goos ahi ka sii socdaan meelaha qaarkood, laakiin wasaaradda gaashaandhiga ee maraykanka ayaa ku doodaysa inay haatan gebageba ku dhawdahay hawlgalkii ay ka waday dalka Ciraaq iyada oo ay shalay qabsadeen magaaladii ugu dambaysay ee Tikrit, sidoo kale waxa la sheegay in ciidamadii Reer Ciraaq ee ku sugnaa xuduuda Suuriya inay dhamaantood isku dhiibeen ciidamada Maraykanka.

Dawladda Suuriya ayaa dhinaceeda beenisay tuhunka iyo eedaha maraykanka ee ah inay magangeliyeen masuuliyiintii xukunka laga tuuray ee dalka Ciraaq.

Wasaaradda gaashaandhiga ee maraykanku waxay haatan caddaysay in ciidamda ka jooga Khaliijka oo dhan 300,000 ay haatan dib ugu soo noqon doonaan dalkoodii, maadaama ay soo dhamaystireen hawlgalkii ay ka wadeen dalka Ciraaq.

Top


Doorashooyinka barlamaanka Nayjeeriya oo Ay ka dhasheen Rabshado Dhiig ku Daatay.

Abuja (W. Wararka) xisbiga ka taliya dalka Nigeria ee uu hogaamiyo madaxweyne Abosanjo ayaa la sheegay inuu guul weyn ka soo hooyey doorashadii Baarlamaanka ee dalkaa ka dhacday maalintii Axadii iyada oo la soo saaray natiijooyinkii hordhaca ahaa ee doorashadaasi.

Sida ay muujinayso natiijadda hordhaca ahi, xisbiga Dimuqraadiga ee shacbiga ee dalkaa ka taliya ayaa in helay in ka badan 50% codadka ilaa iyo hadda la tiriyey taas oo haddii uu sidaa ku sii socdo ka dhigaysa mid guul weyn ka soo hooya doorashooyinka madaxtinimada ee lagu wado inay dalkaa ka dhaco 19-ka bishan, iyada oo ay ku tartamayaan 20 mushaax oo uu ku jiro madaxweyne Obosanjo.

Xisbiga talada haya ayaa ilaa iyo hadda helay golaha baarlamaanka oo ay tiradiisu dhantahay 360- xubnood in ku dhaw 50.86% waxa ku soo xiga xisbiga shacabka Nigeria oo ah xisbiga ugu mucaaradka oo helay 26.61% iyada oo uu kaalinta saddexaad ku jiro isbahaysiga dimuqraadiyada oo helay 14.49.

Golaha odayaasha oo isagana tiradiisu dhantahay 109 xubnood ayaa la sheegay in xisbiga talada hayaa ka helay aqlabiyad, dhan 51.34% codadka la tiriyey.

Balse waxa la sheegay dalka Nigeria oo ah ka ugu dadka badan qaaradda Afrika inay rabshado ka dhaceen doorashadan, taas oo caado u ah markasta oo ay doorashooyin dhacaan iyada oo ay dalkaasi ku nool yihiin dadweyne kala quruun ah oo ay ka dhaxeeyaan dagaalo iyo colaado sokeeye oo muddo dheer soo jiray, taasi oo la sheegay inay doorashooyinkan sii karaar qaateen dagaalo ba’an kuwaas oo sababay dhimashada kumayaal qof oo rayid, isla geystay dhaawac aan la sheegin tiradiisa.

Goob joogayaasha ka socday dalalka dibadda gaar ahaan Comomwealth-ka ayaa wer wer ka muujiyey sida ay u dhacday doorashadu balse waxay ku tilmaameen mid guul u ah dhinaca dimuqraadiyadda.

Top


Tirinta Codadka Burco Oo Loo Hakiyay Muran Ka Dhex Aloosmay UDUB Iyo KULMIYE.

Burco (Haatuf): Shantii galabnimo ee shalay, ayaa la joojiyay tirintii codadka ee magaalada Burco, kadib markii uu muran ka dhex oogmay muraaqibiinta xisbiyada UDUB iyo KULMIYE, iyadoo la sheegay in cabashooyin ka yimaadeen dhinaca muraaqibiinta xisbiga UDUB oo ku dacwiyay in wax laga beddelay goobihii loogu talo-galay in sanaaduuqda cod-bixinta la dhigo.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Liibaan Maaweel Shire, kooxdii muraaqibiinta u ahayd xisbiga UDUB, ayaa sawaxan iyo cabasho ka muujiyay guddiga doorashooyinka Burco, iyagoo sheegay in sanduuqyo ka mid ah sanaaduuqda codbixinta la geeyay goobo aan ahayn goobihii loogu talo-galay, taas darteedna ay aaminsan yihiin in wax la isdhaaf-dhaafiyay, hase yeeshee Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Burco, Axmed Cilmi, ayaa qirtay inuu ugu yaraan laba goobood sanaaduuqdoodii la dhigay meel kale oo in yar u jirta goobtii ay markii hore ahayd in la dhigo, isaga oo tafaasiil ka bixiyay sababta ay sidaa u yeeleen, wuxuuna ku micneeyay in ay ahayd arrimo la xidhiidha xafidaada sanaaduuqdaa, iyaga oo goobaha ay dhigeen u doorbiday xafidaad iyo ammaan, isla markaana wuxuu sheegay in ay arrintaasi ahayd arrin ay guddiga iyo wakiillada axsaabtu isla ogaayeen.

Markii uu soo ifbaxay murankani, waxa xalay fiidkii kulan ka yeeshay xubno sarsare oo ka kala socda labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE iyo guddiyada doorashooyinka ee gobolka iyo degmada Burco, iyo weliba gudoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka qaranka, C/laahi Jawan oo hadda Burco ku sugan, waxayna dhinacyadaasi isla qaateen in wixii cabasho ah dib loo dhigo, isla markaana dib loo bilaabo hawshii tirinta codadka ee hakatay, sidaa awgeed waxa uu warku sheegay in hawshii tirinta codadka dib loo bilaabayo saaka.

Gudoomiye ku-xigeenka guddiga doorashooyinka qaran, C/laahi Jawaan oo kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay in wixii cabasho ah ee soo baxa loo marayo xeerka doorashooyinka, isla markaana haddii taa lagu kala bixi waayo ay waxa looga gudbayaa yihiin dhinaca Maxkamadda Sare, iyadoo ay xisbiga UDUB kulankaa uga soo qayb-galeen Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB, Maxamed Ismaaciil Bulaale iyo xubno wasiiro ah oo hadda ku sugan magaalada Burco, halka ay dhinaca kalena xisbiga KULMIYE kulankaa uga soo qayb-galeen xubno ay ka mid yihiin, Maxamed Kaahin, Cabdi Aw Daahir iyo xubno kale. Waxa kale oo kulankaa ka soo qayb-galay guddiyada doorashooyinka ee heer gobol iyo degmo ee magaalada Burco.

Dhinaca kalena, sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gobolka Awdal, Maxamed Cumar, waxa jira xoogaa muran ah oo aan weli soo ifbixin oo ka jira sanaaduuqda goobo ka mid ah degmooyinka Boorama iyo Baki.

Top


Gebo-Gebadda Tirinta Codadka, Falaadha Ku Taagan Xisbiyada Iyo Tibaaxaha Ilaa Hadda Soo Yeedhay.

Hargeysa (Haatuf): Hawsha tirinta codadka ee doorashadii Madaxtooyada ee dalka Somaliland ka dhacday Isniintii doraad, ayaa hadda gebo-gebo ku dhow, waxayna wararka ka imanaya gobollada iyo degmooyinku sheegeen in inta badan ay sanaaduuqdii codbixintu ku soo xeroodeen magaalo-madaxyada gobollada iyo kuwa degmooyinka, kuwaas oo ka soo ururay goobihii farabadnaa ee ku filiqsanaa gobollada iyo degmooyinka, isla markaana waxa iyana gebo-gebo ku dhow tirinta codadka guud ee gobollada, iyada oo la filay in ay hawsha tirinta codadku soo gebo-gebowdo ugu dambay KHamiista berito, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qarankuna wuxuu hore u sheegay in ku talla-galkoodu yahaya in ay natiijada codbixinta ku dhawaaqaan Jimcaha 18-ka April oo ah Jimcaha foodda inagu soo haya.

Inkasta oo aanay ilaa hadda jirin tirooyin si rasmi ah loogu dhawaaqay, haddana waxa jira warar la isla dhexmarayo oo ku saabsan sida ay saddexda xisbi ee tartamay (UCID, UDUB iyo KULMIYE) goobaha qaarkood u kala heleen tirada cod-bixiyayaasha, taas oo uu ururba meel farta ku fiiqayo inuu hogaaminayo tirada codadka. Hase yeeshee, wararka caynkaas ahi waa kuwo inta badan ka soo baxay muraaqibiinta xisbiyada ee goobaha kala duwan, kuwaas oo goobjoog ka ahaa goobihii tirinta codadka.

Marka la eego xisbiga UCID, waxay wararku saadaalinayaa inuu tirooyin shilis ka heli doono meelo ay ka mid yihiin gobolka Hargeysa iyo Gobolka Togdheer iyo meel weliba meelo kale. Sidoo kale, xisbiyada UDUB iyo KULMIYE, ayay wararku tibaaxeen in ay goobaha qaarkood ka heleen tirooyin badan oo isku dhowdhow, iyadoo ay labada xisbi gobollada qaarkood ilaa hadda si weyn u faylamayaan, iyadoo ay labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB gobollada qaarkood uu midba gooni u magacaabayo inuu hogaaminayo tirada codadka.

Masalan Gobolka Hargeysa oo aanay ilaa hadda weli dhammaan tirinta codadku, UCID, UDUB iyo KULMIYE, waxa saddexdoodaba ka soo yeedhay “annagaa hogaaminayna iyo annagaa hogaaminayna”. Sidoo kale, waxay wararka ka soo yeedhaya xisbayadu tibaaxeen inuu xisbiga UDUB ku horeeyo codadka ilaa hadda la tiriyay ee gobolka Saaxil, sidoo kale xisbiga KULMIYE ayay wararka ka soo baxay tibaaxeen inuu ku horeeyo gobolka Togdheer.

Laakiin, wararka ilaa hadda soo baxay waa kuwo aan rasmi ahayn, sidaa awgeedna aan lagu kalsoonaan karin, inkastoo ay jiraan goobo la tiriyay oo la ogyahay sida loo kala helay, haddana taasi waa waxaan ku filayn tirooyinka rasmiga ah ee loo baahan yahay, waxaase socota faallooyin iyo doodo iska soo daba dhacaaya oo si weyn loogu fallanqaynayo cidda ku soo bixi doonta doorashadii dhacday Isniintii toddobaadkan ee ay ku tartameen saddexda xisbi ee UDUB, UCID iyo KULMIYE, waxayse weli falaadhu ku taagan tahay ragga jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka isaga sharaxay saddexdan xisbi, taas oo ay arrintoodu guul iyo guul-darraba ku xidhan tahay natiijada ka soo baxda tirinta codadka doorashada.

Top


Abwaan saxardiid iyo Riwaayadii "Gar-diid waa Alla diid."

IRMAANTA SUUGAANTA, A. Ducaale.

Riwaayadda magaceeda la yidhaahdo Gardiid waa alla diid waxa hal abuurkeeda lahaa abwaanka la yidhaahdo Saxardiid Maxamed, wuxuuna sameeyey sanadkii 1959-kii waana riwaayadii u horeysay ee uu sameeyo Abwaanku.

Anaga oo riwaayadaa midhaheeda ka soo xiganay shebakada shunuuf.tripod.com, Ruwaayadaas oo ku saabsanayd, waqtigii ummadda Somaliland u bislaatay inay hanato gobanimadeeda. Waxay ahayd 1959kii, bishii sadexaad. Waxay ku socotay inan iyo ina'n is jecel oo inan'tu ku jirto jimciyadihii waqtiga, inankuna uu reer miyi yahay.

Xigmadani waxay kala dhexmartay inanka ruwaayadda ku jira iyo aabihii oo miyigii ka yimi si uu reerka xilkiisii inanaka uugu wareejiyo.

Inanku wauxuu aabihii ugu jawaabay sida tan hoos ku qoaran:

nin gaadh haya iyo gudaa
mooyee
dadow xalay goor aad
hurudeen
geeskii afrikaa gabyoo wuxuu yidhi
gaalka iyo nacabkaa i guud dagay
googooyay hilbihii ee i kala guray
idinkoon guuto waayin ii guntata
Somaalay gidigaa markaa gudideen
miyad garateen intoo gabataan
inaan goblan ka ahaado
gawracyoo ubadkaygii gaajo dishee
geeraa dhaanta nolosha tii ku gabtee
xarbaaba gala geedka oo jabiyee
idinkoon geesi waayin ii galgasha
somaalay gidigaa markaa gudideen
miyad garateen intoo gabataan
inaan goblan ka ahaado
ugaadha garanaysa ganatada
intay gig ka siiso ooda gasha
haddaanay horgoyn ma gaadhaan
iyadaan gaban oon dib uga guran
weyishaa geeska fiiqda oo galisee
somaalay gidigaa markaa gudideen
miyaad garateen intoo gabataan
inaan goblan ka ahaado
hadduu guluf qaado guunyada
intaanu galban een la ruga gayn
waa loo gurmadaa la gaadhi jiree
iayadooy gobanimo i garab taal
somaalay gidigiin markaa gudideen
miyad garateen intoo gabataan
inaan goblan ka ahaado
aan gaabshee guntii waxay tahay
nin luggi go'antahay ma galo orod
geesigu ma qarsado godob weyn
gaaridu ma ogola nin goor xun socda
kolkuu soo galay guhaadaa
gogoshay duubataa ka guurtaa
dagaalkaa la gudboon ninkaan galin
ee gabada maalintaa xun ima gayo

Halkaa markay xaajadu maraysu ayuu odaygii ku diidaya waxyaabahaa inankiisi uu is dabajoojay. Wuxuu ku yidhi, "waar waxan aad leedahay iga daayoo, Aabo guurso oo reerkii u tali." Dabadeed wuxu ku jawaabay inankii sidan:

waa kaa gayigii gartii naqsadee
aan galo anna tii aan garawsaday
awrkayga gurgur goortii aan raro
caynka iyo bayda aan u giig tiro
gidigeed heeryada ku wada guro
labbada garab aan udbaha ka gasho
dhigaha ku gigsiiyo gibishii
gurada ugu tuuro labba gaban
ka gooyo qarqarsigeen hogaanka qabsdo
gu roob day geedo uu bixiyay
horseedku ka gooyay guri weyn
gortaan dago een gardaadsadoiyo
lixdankaan aabo guursandoonaa

Sheekada waqtigaasi waxay ahayd in nin walbaaba wuxuu doonayay inuu qabsado uu yidhi lixdanka ayaan qabsan doona.

Top


Barkhad Cas iyo Diid-madiisii Gumaysiga.

Iyada oo aanu hore idiinku soo gudbinay qaybo ka mid ah qormo ku saabsan sooyaalkii taariikheed ee Abwaan Barkhad Cas, waxaanu maanta halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybtii u dambaysay ee qormada ka sheekaynaysa taariikhda Abwaan Barkhad Cas oo aanu ka soo xigaynay shebakada suugaanta lagu ururiyo ee shunuuf.tripod.com halkaas oo ay boqolaal suugaan kala duwduwan ah ku ururiyeen dhalinyaro walaalo ah oo reer Somaliland ah., kuwaas oo halgan badan u galay sidii ay u ururin lahaayeen suugaanta kala filiqsan wax badana ku guulaysteen.

Gabaygan oo aanu qaybtiisii hore idiin soo daynay wuxuu Barkhad Cas kaga hadlayaa gumaysigii Ingiriiska oo uu ka soo horjeeday:

Awawgay ninkii adoonsaday
ninkii aabahay indhaha tiray
ninkii anigana i iibsaday
hadaan arkayoonan ka aarsan karayn
hadaanan Aadanow unuunka jarayn
aan ooyee albaabka ii xidha.
Isagoo Iglan joogabuu i diloo
ushuu soo fidshaa i iimaysoo
waataa aramidii i oofa tirtaye
itaal dari aan la eedaadoo
aan ooyee albaabka ii xidha.
Bal oggow isticmaarku abidkii
iriduu marinaayo awr raran
irbadbuu ku dayaa ayaamaa horee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ninowna ha odhan soomaalaan ahee
ordoo magacana ka iibsada.
Libaaxa anayiyo Abaarso ka ciyay
u Riin Lo'da joogtabaa urisoo
ooday jebisaa intay u dhacdoo
amsaxuu ka guraa idiilkeede
waakaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
in shaahiyo keegu waa urugeeiimawdee axankaaga weynee.
5) Ugaadha ninkii gatee urursada
ka soo arkabaa aduun ka baxshee
ninkaa imanaaya awgii waa
kaa isticmaarkii ii daayee
Ragan aan arkayee u abasaxayow
ordoo magacana ka iibsada.

Iyada oo wacyi-gelinta noocaas ahi ay dadka reer Hargeysa madaxooda ka buuxdo ayuu madaarka Hargeysa ka soo degay ninkii la sugayay maalintii 28/5/59kii markaas bay dadkii reer Hargeysa ee qaabilaadiisa u soo baxay mar qudha ay dhabarka u jeediyeen iyaga oo u muujinaya in aanay wejigiisa arki karin.

Haddaba, arrintaas oo ka dhalatay wacyi-gelintii afku dirirka ahayd ee uu Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud ka buuxiyay maskaxda dadweynaha run ahaan waxay ahayd tabaha iyo xeeladaha cusub ee gumaystayaasha lagula dagaalamo mid ka mid ah oo ay marxuumkaa iyo reer Somaliland dunida ku soo kordhiyeen waana arrinta soo dedejisay gobanimadii saqiirtay ee 1960kii Ilaahay ha u naxariisto marxuumka. Aamiin.

Biixi Suufi ugu danbeyn isaga oo geeridii marxuumka ka waramaya waxa uu yidhi: "Marxuum Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud Ilaahay ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday, laguna aasay magaalada Hargeysa sannadkii 1963kii. Haddaba, sharafka iyo magaca uu marxuumku ku lahaa dadka reer Hargeysa waxa dhacday maalintii la aasayey in la xidho dhammaan goobaha ganacsiga ee Hargeysa waana laga wada qayb-galay aaskiisii waddaniyada ahaa.

Wax akale oo iyaduna dhacdo cusub u ahayd dadka reer Hargeysa markii ay kooxdii Walaalo Hargeysa oo uu hoggaaminayey Marxuum Cabdillaahi Qarshe isagana Eebbe ha u naxariistee uu qabrigii marxuumka kaga baroortay heesta caanka ah ee uu yidhi: "Waa ayaanba ayaan, Duni aakhir samaan, Nin aroosanayaa, Nina aas tegayaa." Waa xusuus ma guurto ah. Waxa kale oo isla maalintaa dhacday in marxuumka laga bedelo naanaystii hore ee Belaayo Cas, looguna bedelo Barkhad Cas, waxay se ahayd in naanaystan wanaagsan ee Barkhada ah loogu deeqo intuu noolaa ee waxtarkiisa la manaafacaadsanayay. Ilaahay waxaynu ka baryaynaa in uu u naxariisto saaxiibkeen Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud Barkhad Cas iyo raggii kale ee ay geeridu ina kala fogaysay. Aamiin."

Top


QARNI (Gabay), Cali ismaaciil Carab (Cali Duulduul).

Gabaygan Qarni oo uu tiriyey Abwaanka da’da yar ee Cali Ismaaciil Carab oo ku magac dheer (Cali Duul-duul) sanadkii 2000, gabaygan oo uu Cali guud ahaan waxa uu kaga hadlayaa qarni 20aad iyo waxyaabihii dunida ka dhacay oo aad moodo inay raadkoodii wali adduunka ka sii taaganyahay waxyaabaha cajiibka ah ee gabayga ku jira waxa ka mid ah iyada oo uu Cali ka hadlay xaaladda Ciraaq oo uu sahadiyey, waxyaalaha hadda ka dhacaya Cali Duul oo aanu hore idiinku soo gudbinay qaar ka mid ah suugaantiisa iyo gabayadiisa bal hadda aynu wada dhuuxno gabaygiisa Qarni iyo murtida xambaarsanyahay waana kan gabaygii:

“Qarniyahaw na weydaartay,
waad qadafyo weyneyde,
qalalaase iyo weerar baad
qaalib ku ahayde
qasaarahaad adduunyada badaan
cidi qiyaasayne
qudha oo la iska jara iyo
dagaal la isku qolo sheegto
qaxar iyo dhibaataad ahayd
qaanac iyo woore
qaaradaha adduunka oo dhan baa
qaylo kaa dhigaye
allaha qaniyabaa kugu dhexdaray,
qoomamo iyo ciile,
qaraxii dagaalkii labaad
qodobaduu reebay
qumbuladii Jabaan lagu dhuftiyo
qiiqii kor u duulay
qalfoofka iyo lafaha daadsan baa
quban halkoodiiye
qof waliba qofkii cid u xigay
kala qatoobeen
qarni baad ahayd ay kaceen
qaataleenaduye
qabqablaha dagaalkaa ka badan
qalaxa buuraha’e
qaxar iyo xumaan kii wadiyo
qoonsi iyo eeda
ee qalad ku doodayayabaa
lagu qoweeyaaye
qambaruursi baa dilay
ninkii qaaliga ahaa
qab qab dhaafaygii bariga dhexe
la isku qalab qaatay
qacdiyo baftii baxaysay
iyo qadaydii yeedhaysay
qof wixii la dilay iyo wixii qolof la jiidaayey
qar wixii dumaayiyiyo
belo ka qiiqaysay
ee qiyaamihii lagu matalay
qaawanta iyo yoolka
ee qoomi ka soo gaadhaybaa
qalan dhamaantoode
qabuuraa Ciraaq laga dhigiyo
meel qaxootiya eh
qabawgii basra iyo webiyadii
laga qadayn waaye
qurjeen iyo uneexaa bedelay
qare wixii yiile
qandi baan saliidii la darin
qaaliga ahayd
qab qabsi ugaadhay haddeer
qiil u dayayaane
kala qubatay Soomaalidii qarada weyneyd
quwad iyo waxay xoog lahayd
waa qalfoof madhane
qabiil waliba waa ka fadhiya
qoobad gooniya ah
anaa kaa qab weyn iyo
anaa qolada kaa fiican
qorshaheedu noqay waa beryaba
qarax rasaaseede
qaramada midoobaa ka naxay
qaabaday tahaye
Ilaahay wixii uu qadaro looma helo
Qiile qawlkuu abwaankii yidhaan
Qiiro u haynaaye
Waxa Burundi la iskugu qatalay
Qod iyo gaagaabe
Qarab weeye daarahay dhisteen
Ama qaraadiise
Afarteeda qaybood hadda qiiq ka baxayaaye
Quruumaa tisqaaday ee burburay
Male qiyaasaade
Waa waxaan qiyaas lagu helayn
Qalina koobayne
Qaniyow allaw noo gargaar
Qaadir baad tahay.

Top


Jilba Dhiig Qiso jacayl ah; waxaa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale : 22aad.

Biixi iyo Saynab markii muddo macruuf wanaagsan ahaayeen ayuu Biixi maalintii dambe taminayey inuu ka baxo nolosha kelinimada ah oo uu guri yeesho, ka dibna markii uu gabadhihii Soomaalida ahaa ee Sanca joogay indha indheeyey wuxuu ka wada waayey gabadhii Saynab ee ay macruufka weyn ahaayeen sidaa awgeed Biixi maalintii dambe ayuu Saynab u bandhigay hindisihiisii guurka, wuxuuna ku yidhi “Walaal Saynabeey maanta waxaan doonayaa inaan kuu sheego arrin aan kaala maarmi waayey, haddii aad iga ogolaato waxaan doonayaa inaynu fulino”
Saynab oo hoosta iska weydiinaysa tolow maxaaa ku soo kordhay ayaa tidhi “Biixiyaw maxaa kugu soo kordhay”.

Biixi ayaa ku jawaabay “Walaal dhibi ma jirto, laakiin markii aan naftayda la shawray, waxaan go’aansaday inaan guursado, sidaa awgeedna hablaha Sanca jooga ee Soomaalida ah mid aan ku doorsado waan ka waayey, markaa bal ka waran haddii aynu nolosha wadaag-no oo aynu qoys yagleel-no” Saynab ayaa haddana tidhi “Walaal Biixi arrinta aad iis oo bandhigtay waa tii lays odhan jiray, ta kale aniguna waan ku hanweynahay, balse waxaan jeclaan lahaa inaan maalin ama laba maalmood ka soo fekero.” Ayaa haddana Biixi ayaa yidhi “Waayahay walaal ka soo maalin iyo laba wakhti dheer ma aha”.

Dabadeed iyaga oo isu niyadsan ayey kala tageen ka dibna labadii maalmood ka dib ayey isu yimaadeen laakiin Saynab fekerkeedii labada maalmood. Waxay ku soo go’aamiyay inay aqbalno guurka Biixi, sidaa awgeed markii ay isu yimaadeen Saynab ayaa hadalka bilawday ileyn iyadaa jawaabta laga sugayey markaa waxay tidhi “ walaal arrintii aad ii soo bandhigtay waan ka soo fekeray, waxayna talo igaga ururtay inaan aqbalo guurka aad ii soo bandhigtay”.

Biixi ayaa dabadeed yidhi “Waayahay walaall, gudoon iyo guur wanaagsan, hawshana waynu gudo gelaynaa”.

Intaa ka dib-na Biixi waxa uu qal-qaalo galay hawshii arooska agab iyo doon-ba isla markaana maalmo yar ka dib waxa loo mash-xaraday arooskii Biixi iyo Saynab iyada oo uu arooskuna si wanaagsan u dhacay, waxayna sidaa ku noqdeen qoys cusub iyo lamaane nolosha wadaaga, laakiin arrin cajiib ah ayaa la arkay, intii lagu jiray casuumadda arooskii Biixi, taas oo ahayd in la helay far-galkii Biixi kaga lumay badda dhexdeeda ee Xayaad cajab, balse waxay isweydiintu tahay sidee baa loo helay, halkeese laga helay, fargalkii yaraa ee ku luma bad-weynta dhexdeeda.

La Soco.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa.

Mingistu: markii aanu erteteriya waxoogaa xasilooni ah ka samaynay ayaanu ilayn dagaal uun kuma jiri karnee, waxaanu dagaaladii joojinay mudo shan sanadood ah, anaga oo nidhi “imikana aynu ku dhaqaaqno sidii aynu u tiritiri lahayn dhibaatooyinkii soo jireenka ahaa “ kadibna waxaanu bilownay inaanu dib u dhis iyo dib u habayn ku samayno waxayaalihii kala daatay iyo waxayaalihii uu xumeyey maamulkii hore ee burburay, taas oo aanu fulinay mashaariic dib u dhis ah, iyadoo aanu marba ku dhaqaaqno wax ka qabashadooda ajandaha ay soo jeediyaan umada itoobiya. Laakiin haddii aan dib yara eego xiligaa oo aan waliba ka fiirsado, waxa jiray wax yar oo aanu iska dhayalsanay, taasina waxay noqonaysaa qalad wayn oo aanu galay. Waayo markii hore waxa uu abaabulkayagii ahaa weeraro joogto ah oo aanu ku qaadno cadawga balse inta aanu taa iska dhaafnay ayaanu dhinac kale u jeesanay, taasina waxay fursad siisay cadawgii oo inta uu dib isu soo abaabulay dib anagii noo soo weeraray. Waxa dhacday hogaamiyayaashii ciidamada iyo maamulka ee waqooyiga (ereteriya) inay qaar badani magaalooyinka gudaha inta ay iskaga soo laabtaan ay badatay “arrimo shaqo awgeed fasax soo qaadanay oo aanu halkan u joognaa” sidaa darteed arimahaa iyo waxyaalo kale oo is birbiirsaday awgeed ayaa u saamaxay xoogagii cadawga ee sii burburayey markii hore inay dib isu soo abaabulaan oo ay dib u soo noolaadaan,sidaa darteedna ay yeeshaan xoog laakiin markii ay waxyaalahaasi oo dhami dhaceen ayaa anigu wararka I soo gadhaya ka sokow waxaan tegay goobaha dagaalka, halkaas oo aan kula kulmay ciidamada, aniga oo xog waraysiyo la yeelanaya, sidaas ayaana ku soo ogaan jiray sida ay xaaladu tahay.

Inkasta oo ay jireen waayo aragnimo nooga soo kordhi jirtay, hadana kamaanu caajisijirin, taas darteedna waxaanu goobaha dagaalka u diri jirnay geesiyaasha reer itoobiya, mana jiri jirin cid dib uga soo noqota ama diidda dagaalka, balse way jireen hadalo cadho ka muuqato oo soo bax-baxayey waxaana ka mid ahaa “ waa maxay sababta aynu u guulaysan la’nahay” su’aashaasina waxay noqotay mid soo noq-noqota oo aan mar qudha dammin, laakiin ciidamadu marna ma bedelinmawqifkoodii ahaa inay naftooda u huraan dalkooda hooyo. Tusaale marka aan khud-badaynayno ee aan ka hadlayo dagaalada waxaan odhan jiray “dagaaladaynu ku jirnaa waa kuwo sokeeye, markaa waxa na dilayaa waa ciida, waayo dagaaladii caadiga ahaa ama sida caadiga ah ee loo dagaal galo marka aanu u dagaalamayno, waxaanu isku deyi jirnay inaanu isticmaalno hubkayaga aanu haysano, laakiin hadda hubkii aanu haysanay inaanu isticmaalno waanu awooodi kari waynay, iyaguna (ereteriyiinta dagaalamaysa) madaama ay ka dagaalamayaan degaamadii ay u dha sheen waxa caawinaysa ciida, sidaas darteedna inaanu iska difaacno waqtigii bay naga qaadatay, hase yeeshee hadda dagaaladii aanu mudada dheer ku soo jiray waxaanu nooga kordhay waayo aragnimo, taas darteedna bal aynu isku dayno inaanu wax ka bedelno habka aynu u dagaal galayno, waayo ilaa markii dagaalkii bilaamay ilaa iminka waxyaalihii aanu dagaalka u hurraynay ee ahaa wax loo baah-nayn in waxaas oo dhan loo huro , waxay ahaayeen wax xaaladdu nagu khas baysay oo aanu isku biimaynay, halka ay iyaguna (ereteriyiinta) inta ay isu wada yeedhaan adhi jirkood ilaa mutacalinkoooda ay na soo wada weerarayeen. Hase ahaatee intayada leh dalkayaga nalaguma hor qayb qaybsan karo oo nimankii budh-cada ahaa ee waan waanta nabada diiday dhulkayaga heshiis waraaqo lagu kala saxeexanayo qunyar kuma siin karo, markaa dalkayaga difaacno ma jiro wax kale oo aanu ku doorsan karnaa. Sidaa awgeed marka aan khudbadayda sidaa ku idhaahdo ciidamada iyo shicibkuba waxay ku jawaabayaan “halkaa ka sii wada” sidaa darteedna dhiiri gelinaya mooyee wax kale oo diidmo ahi may jirin, taasina waxay ahayd wax xaqiiq ah ee ma aha wax aan anigu iska samaysanayo, waayo waxa jiray waxyaabo aan si dhab ah u arkaayey oo ka muuqday wajiyada umadda, mana ay jirin wax aan taageero ahayn oo ay noo muujinaysay.

La soco cadadka danbe.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Sidi sididaada mooyee dhul u dhacaaga hubso.

Taariikhda soo jireenka ah ee Somaliland. Maraaxilkii kala duwanaa ee ay soo martay tan iyo laga soo bilaabo xiligii isticmaarka iyo taliskii ka danbeeyey ee Xukunka laga tuuray (1991) taas oo hab dhaqanka bulshada iyo kan dhaqaalaba marnaba marnaba mushtamacu u muu helin inuu si buuxda u hanto aayo ka talintiisa. 1981kii ayaa bulshada reer Somaliland u hanqal taageen inay ka dhiidhiyaan taliskii digtaatooriga ahaa waayaha ii mugdiga ahaa iyo waxyeeladii waxash-nimada ahayd ee isa soo taraayey waxay is kaba raacisay halgankii bulshada reer Somaliland (1982). Waxaa magaalooyinka ka bilaabmay kacdoonadii ardayda taasoo ardayda wax-barashadii u noqotay inay dhagax kula dagaalamaan baroonadii, beebeeyadii iyo kaarayaashii ciidamada kaligii talisku watay, indheer garadkii reer Somaliland saraakiishii, askartii iyo bulsho waynta waxaa waadagaal u beryey (18,may.1988) dhagarihii xiligaa dhacay waxay sababta ay in dad iyo duunyba lagu le’do, haddaba ururka s.n.m oo uu madaxdiisu ahayn mid ay hanaanka dagaal iyo ficiloba ka midaysanyihiin dagaalka ciidamada hogaaminayey dagaalka magaalooyinka soo galay.

Arintu si kastaba ha ahaatee guunaanadkii iyo gaba gabihii guusha biyo kama dhibcaanka ahayd waxa eebe ina siiyey (1991kii) dawladii waxa lagu dhawaaqay isla xiligaa J. Somaliland taas oo maanta aynu wada hadhsanayno calanka dusheena ka babanaya oo xanbaarsan nabad-galyo iyodawladnimo hal qabsi u ah dhamaan Caalamka, taasna loo nisbayn maayo shaqsi waase dadaal eebe garan siiyey bulsho waynta reer Somaliland waxa la yidhi nin durbaan qaatay ilaaq dalbay, haddaba durbaan qadashadeena maaha in kursi uun lagu doono ama ay ku koobnaato dadaal loogu jiro in indhaha Caalamka lagu qanciyo in ay dawladnimadu inaga dhabtahay. Taas ayaa maanta fure u ah ictiraafka iyo aqoonsiga bahwayntana Caalamka haddii eebe ogolaado, hadiise arintu inaga noqoto doqontii laxooxda dubtay ee intii u danbeysay ka kacday. Waxaa meesha dad-waynaw inoo yaala karis xun iyana wax kula’ haddaba waxa iga talo ah rayidka, waxgaradka, ciidamada, cuqaasha iyo culumaa’udiinta dhamaan dad waynaha reer Somalilandaw inaga ayaa hayna mindida daabkeeda, marka laga reebo xisbiyada taratanku ka dhexeeyo.

Waa in aynu u miidaan daynaa mustaqbalkii dhacdooyinkii taariikhiga ahaa aynu u soo maraynay. Hadiise inagu nin jeclaysi, qabiil, eex, wax ku dooranayna miyaanay ahayn inaynu ka dhigannahay doqoni xadhigii lagu xidhi lahaa xusuladay ku sidataa. Dardaaran waxaan ku dhaafay cidala cidii inay xilqabato diyaar u ah kursiga inaanu ahayn wax iib gala eex gasha, qabiil gala waase hibo ilaahay qofka siiyo isaguna kasbado kaasoo mujtamac ka samaysanaya dadaalkii aqoontii iyo wixii uu ku wadi lahaa. Ninka waayaw adoon dudin bulshadana u horseedin waxaad tabanayso maxkamada dadwaynaha u soo bandhig. Misaanka cadaalad ee ay bulshadu jawaabta ka soo celiyaan waa in aad ku qanacdaan.

Sagal cali jaamac (suxufiyad).

Top


Garab la’aanta sadaam iyo gardarada W.Bush maxay ku danbayn.

Waxa uu in badan ku hayay hatigaad iyo cago juglayn waa maraykanka iyo xulufadiisa isbahaystay kuwaas oo isku bahaystay dalka iyo dadka reer ciraaq ee islaamka ah kuwaas oo kula kacay falal aad iyo aad u fool xun haddaba waxaa ka mida falalka uu kula kacay in dhamaan uu ka xidho safaaradaha ay ciraaq ku leedahay aduunka taas oo cuno qabatayn ku soo rogay dalka ciraaq ee Muslimka sanadku markuu ahaa 1991 in hada laga joogo mudo dhawr iyo toban sanadood ah ayaa iyada oo ay taasi jirto uu ku mar marsoonayay maraykanku in uu sadaam haysto hubka khatarta ah ee isla markaana inuu u fasaxay gardaradaa iyo kibirkaa balaadhan isaga oo u fasaxay in uu u fasaxo in la baadho. Haddaba gaalkaa kaafirka ah iyo xulufada is bahaysatay waxa uu doonayaa sida uu u qabsan lahaa shidaalka iyo saliida uu Illaahay siiyay dadka reer ciraaq ee Muslimka ah. Taas oo kuu muujinaysa in ay tahay damac. Marka taas laga yimaado, waxa uu ku soo qaaday dadka Muslimka ah ee reer ciraaq sanadkan aynu hada ku jirno bishii kaas oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay siduu u duqayn lahaa kaas oo u adeegsaday dagaalo cirka ah iyo shacbiga kale ee Muslimiinta reer ciraaq, kaas oo ku keenay dhimasho xoogleh iyo dhaawac aan joogsi lahayn.

Haddaba waxa noqotay arin la yaableh dadka Muslimka sheeganayay ee ku noolaa qaaradaha aduunka oo iyagu noqday qaar aan wax ficil ah muujin oo indhaha ka qarsaday walaalahooda islaamka ah ee reer ciraaq waxay taasi ku tusaysaa in aanay carab lahayn dhiig iyo dareen toona, iyaga oo ka amar qaadanaya kaafirkaa ku socda sidii loo haligay fircoon ilaahayna waa uu u hiilin doonaa kaafirkuna sidii ayaa loo halaagi doonaa.

Axmed Cali Sh. Mux’ed.

Top


Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawlada reer miyiga, Abwaan Cali Mooge, Q: 2aad.

Shanta Guunyo Loo Aga Baree, Galab La Soo Hooyo,
Maroodiga Gondaha Weyn Leh, Gacanka Foolkiisa
Wiyil Ganafka Buurtiyo Halgeri, Gob Iyo Caartiif
Cisi Waalif Kaymaha Gardool, Loogu Geli Waayey
Faraw Gaadanaaxiyo Guuburi, Gar Iyo Xiisaan Leh
Saryan Gooni Daaqiyo Biciid, Geesku Hadhinaayo,
Garanuug Maraa Daaqaa Iyo, Goodirkiyo Siiga,
Goray Qooqay Jiilaal Gab Yidhi, Ged Iyo Xeeshiisa,
Carawlaha Guyaal Hore U Diday, Godanka Nayroobi,
Banka Cawl Garmaamaysa Iyo, Galab Ceegaag,
Gaaroodi Joog-Deero Iyo, Geeshash Daba Taag,
Gaashaan Xidh Sawgala Bacayr, Orodka Googayaa,
Iyo Gebi Ka Bood Cali-Kudoo, Guuxa Ka Horaysa,
Quslay Gaadmma Dhawrkiyo Cabsida, Garab Ku Daaqaya,
Geed Jidhif Sakaaradda Mar Go’ay, Laac Ka Guranaysa,
Gabashada Bakaylaha Gunbudha, Gebi Yar Hoostiisa,
Dhido Fidhin Gantaal Iyo Warmaha, Guudka Ku Hilaaban,
Doofaar Gafuurkiyo Ilkaha, Dhacar Ku Goynaaya,
Qarandidda Dugaag Loo Galaday, Godad U Jeexaysa,
Daayeer Xaraar Iyo Gogladay, Buurta Guradeeda,
Iyo Qalmi Sida Gaari Wacan, Guudka Fidhanaysa,
Garbabaalka Diinkoo Cilmiga, Gooni La Hadaafa
Gucumaale Aar Iyo Libaax, Galawg Ka Eedaamay,
Gaballaax Shabeel Iyo Dhurwaa, Gudub U Rooraaya,
Gurxankiyo Harimacad Hanjabo, Gaydhleh Kugu Qaada,
Ismaliig Gan Xiira Iyo Yey, Geleleflaynaaya,
Guryo Noqodka Weeraha Ku Jara, Goosan Ku Halaabay,
Iyo Dhidar Ma Guuraanka Dumay, Geeska Ka Qodanaaya,
Golli Dacaw Guduudane Dhabara, Goolihiyo Xoorka
Dub-Galaalka Naylaha Gurtiyo, Amaha Gaa-Gaaban,
Wabar Guudka Daaliyo U Baxay, Surad Gafuurkeeda,
Shurun Shuur Garaad Daran Carruur, Guunyo Uga Yaacdo,
Dinad Waxaro Goysiyo Shibiin, Cidiba Gaadhaynin,
Afartaa Wax La Iskuma Guntee, Gooni Ma U Joojay,
Intaan Garab Marayaa Ka Badan, Gool Yartaan Sugaye,
Gurgurada Illaahay Cayimay, Tiro Ma Gaadhsiine (Allahu- Akbar)
Inta Waajib Ruux Gudan Karaan, Giriftamayaaye,
Ma Goblamo Dhaqaaluhu Intaan, Geeri Moogahaye,
Tu Kaloo Geyigu Leeyahaan, Soo Gudbinayaaye,
Ma Gefine Waxaan Garanayaan, Kuu Godlinayaaye,
Gaawaha U Sii Cula Murtidu, Yaanay Gaagixine.

Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Reer Miyiga Mudane Cali Mooge.

Top