Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 314 Date April 20, 2003

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Shaaca Ka Qaaday Natiijada Doorashadii Madaxtinimada, Xisbiga UDUB Waxa Loogu Dhawaaqay Guul, KULMIYE-Na Waxa Loogu Bushaareeyay Guul-Daro Aanu Filanayn.

Ku Dhawaaqidii Natiijada Doorashada Iyo Dareenka Ay Ka Bixiyeen Taageerayaasha UDUB Iyo KULMIYE.

Xisbiga KULMIYE Oo Jawaab Diidmo Ah Ka Bixiyay Natiijadii Ay Ku Dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinku.

Madaxweyne Rayaale Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Jawaabo Ka Bixiyay Ku Dhawaaqida Natiijada Doorashada.

Burco Iyo Jawigii Ay Uga Dhacday Doorashadu, Warbixin - Caraale M. Jaamac.

Ka Fogow Fikradaha Khaldan.

Goob-joogayaasha.

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga.

Ciidamada Maraykanka oo qabtay wasiirkii maaliyadda ee Ciraaq.

Shir laga yeeshay Ciraaq.

Suxufi ku dhintay Falastiin.

“Axsaabta, Gaar Ahaan UDUB Waxa Laga Codsanayaa In Ay Nabadgelyadda Dalka Ilaaliyaan” Wasiirka Daakhiliga.


Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Shaaca Ka Qaaday Natiijada Doorashadii Madaxtinimada, Xisbiga UDUB Waxa Loogu Dhawaaqay Guul, KULMIYE-Na Waxa Loogu Bushaareeyay Guul-Daro Aanu Filanayn.

“Gari Laba Nin Kama Wada Qosliso,” Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka."

Hargeysa (Haatuf): Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa shalay galab ku dhawaaqay natiijada cod-bixintii doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka Somaliland ee dalka ka dhacday 14-kii Abril, 2003, iyaga oo shaaca ka qaaday tirooyinka ay kala heleen saddexdii xisbi ee tartamay (UCID, UDUB iyo KULMIYE).

Guddiga doorashooyinku waxay natiijada cod-bixinta kaga dhawaaqeen xaruntooda Hargeysa, waxayna sheegeen inuu xisbigu UDUB ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday, taas oo uu xisbiga UDUB 80 cod kaga adkaaday xisbiga kale ee KULMIYE oo ay aad isugu codad dhowaayeen, waxayna guddiga doorashooyinku sheegeen inuu xisbiga UDUB wadarta dadka codeeyey ka helay 205’595 cod, halka ay guddigu sheegeen inuu xisbiga KULMIYE helay 205’515 cod, sidoo kale xisbiga UCID ayaa helay 77’433 cod, laakiin xisbiga UDUB marka la eego tirada codadka uu helay 42.08% ayey ka noqonaysaa saamiga dadka codeeyey, halka ay xisbiga KULMIYE noqonayso 42.07%, sidoo kale xisbiga UCID waxa noqonaysaa 15.85%.

Natiijada cod-bixinta doorashada waxay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen, ka dib markii ay dadku sugayeen inka badan 8 caanamaal, iyagoo ku dhawaaqay abaaro 4:00 galabnimo ee shalay, waxayna taasi ka dambaysay markii ay dadweynaha Hargeysa ku dhaqani cadaadis badan saareen guddiga doorashooyinka si ay ugu dhawaaqaan, iyadoo ay maalintii shalay ilaa markii natiijada lagu dhawaaqayey xarunta guddiga doorashooyinka dul-dhoobnaayeen kumanaan dadweynaha reer Hargeysa ah oo u dhegtaagaya bal waxa ka soo yeedha guddiga doorashooyinka, iyadoo ay gelinkii hore ee shalayna duleedka iyo agagaarka dhismaha xarunta golaha guurtida ku gaafwareegayeen boqolaal ka mid ah taageerayaasha kala duwan ee saddexda xisbi, kuwaas oo ay intii aanay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqin natiijada ay qolo waliba dhinaceeda ugu sayaxaysay inuu xisbigoodu guulaystay, laakiin intii aan natiijada lagu dhawaaqin waxay taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo hogaamiyayaashooduba rumaysnaayeen inuu xisbigoodu guusha helay, waxayse taa wax iska bedeleen markii ay guddigu ku dhawaaqeen natiijada ee ay sheegeen inuu xisbiga UDUB ku guulaystay doorashadii dhacday, hase yeeshee xisbiga KULMIYE taa ma yiqiinsan, waxayna sheegeen in tiradii ay heleen iyaga oo aan ogayn wax laga bedelay, iyadoo ay hogaamiyayaasha iyo xisbiga KULMIYE lama filaan iyo qaadan-waa ku noqotay dhawaaqa ka soo yeedhay guddiga doorashooyinka ee sheegaya in laga guulaystay, waayo waxay bilowgiiba isugu bishaareeyeen inay guulaysteen, inkasta oo ay qolada UDUB lafteedu marka kasta taageerayaashooda ugu bishaaraynayeen inuu xisbigoodu foosay.

Inkasta oo ay labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE mid waliba goonidiisa guru boorikaasayey inuu guusha isagu helay, hadana xisbiga KULMIYE hadal hadal-hayntiisa ah inuu tirada badan helay, guushuna isaga raacayso waxay ahayd mid aad suuqa u gashay, taas oo ay Axmed Siilaanyo iyo taageerayaashiisu aad u aaminsanaayeen. “Iska samra waad iska ciyaari doontaane”ayuu yidhi isaga oo la hadlaya qaar ka tirsan taageerayaashiisa, sidoo kale dad kale ayaa iyaguna aaminsanaa, tusaale ahaan gudoomiyaha UCID laftiisa, Faysal Cali Waraabe ayaa aaminsanaa inay arintu sidaa tahay, isaga oo yidhi “Labada xisbi way isku dhowaanayaan, laakiin waxaad moodaa inuu inyar dheer yahay KULMIYE”, wuxuuna intaa ku daray “Anagu waanu ku qancaynaa wixii ka soo baxa natiijada doorashada”ayuu yidhi Faysal.

Laba-saddexdii maalmood ee laga war-dhawrayey tirrinta iyo isku dubbaridka codadka iyo ku dhawaaqidda natiijada waxa kaamboolka iyo xafiisyada xarunta guddiga doorashooyinka galaabaxayey siyaasiyiinta saddexda xisbi, kuwaas oo loobin ugu jiray sidii ay qolo waliba guru tuntuunsan lahayd inuu soo baxo xisbigoodu, gaar ahaan labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE, iyadoo uu loobinku ugu xoog badnaa maalintii shalay oo ahayd kama dambaystii ay guddiga doorashooyinku u qabteen inay ku dhawaaqayaan natiijada doorashada. Sidaa awgeed xarunta guddiga doorashooyinka waxa geliyey oo baxayey siyaasiyiin kala duwan iyo xataa xubno golaha wasiirada ah oo xisbiga UDUB ka tirsan, laakiin marka la eego dhinaca xisbiga UDUB siyaasiyiinta xisbiga UDUB ee xarunta guddiga doorashooyinka shalay si weyn uga dhexmuuqday waxa ka mid ahaa Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal) oo hore u ahaa gudoomiyihii ururka ASAD, taas oo ay isaga iyo qayb ka mid ah ururkii ASAD ku biireen xisbiga UDUB, halka ay qayb kale oo uu hogaaminayey gudoomiye-kuxigeenkii koowaad ee ururka ASAD, C/raxmaan Aw-Cali Faarax ku biireen xisbiga KULMIYE. Sidoo kale xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo xubno kale ayaa ka mid ahaa ragga aan mar keliya ka dhex bixin kaamboolka xarunta guddiga doorashooyinka, waxaana xarunta guddiga doorashooyinka si is daba jooga ah uga soo baxayey cid kastaaba haka soo qaadee tibaaxo had-ba tirada la is dheeryahay soo tuuraya iyo weliba cabashooyin la lahaa waxay u badan yihiin dhinaca xisbiga UDUB, isla markaana waxa jiray dareemo isa soo tarayey oo ka walaacsanaa ku dhawaaqidda natiijada oo la raagsaday, laakiin labada shirgudoon ee labada gole ee guurtida iyo wakiilada ayaa iyaguna labadii maalmood ee u dambeeyey arinta soo galay, kuwaas oo isaga wadawadaynayey madaxtooyada iyo xarunta guddiga doorashooyinka, laakiin si fiican loogama dheregsana doorka ay labada shirgudoon mawduuca ku lahaayeen ama ku yeesheen iyo khilaafka meesha yimi ee ay xalilayeen.

Intii aan lagu dhawaaqin natiijada doorashada gudoomiyaha guddiga doorashada Axmed X. Cali Cadami ayaa hadal kooban oo hordhac ah ka jeediyey madashii lagaga dhawaaqay, waxaana weedhihiisa ka mid ahaa “Galabta waxaynu isugu nimi inaanu shaaca ka qaadno tartankii qadhaadhaa, dhinacna ka macaanaa, wuxuuna ka macaanaa dhinaca dimoqraadiyadda, wuxuuse ka qadhaadhaa marka ay tirada isku soo dhowaanshuhu badato khasab ayey noqotay inaanu rumaysan wayno lambaradii waraaqaha ku qornaa oo laba iyo toban goor lagu noqdo isugeyntii hore loo sameeyey, waajibna waxa nagu noqday intii aanu hore u dhiganay inaanu hal saac dib u dhigano oo aanay taa mudnayn muwaadiniintii codka bixisay, markaa waxaanu halkan ka sheegaynaa natiijadii ku meelgaadhka ahayd, natiijada kama dambaysta ahna waxa ku dhawaaqaysa maxkamadda sare, waxaaase la yidhi gari laba nin kama wada qosliso, mana jirto sabab nagu khasbi karta inaanu waraaq nin leeyahay nin kale siino, taasina waa jariimad ay taariikhdu nagula xisaabtami karto, markaa iminkana waxa natiijada ku dhawaaqi doona C/laahi ee hadii uu qalad ku jiro adigu sax, hadii uu sax wada yahayna wixii la yeedhiyey haku bakhayline waa sax dheh, laakiin marka ay natiijadaasi soo baxdo waxa furan wax iswaydiin iyo wada xisaabtan, waxaase inaga reeban nabadgelyo xumo”.

Top


Ku Dhawaaqidii Natiijada Doorashada Iyo Dareenka Ay Ka Bixiyeen Taageerayaasha UDUB Iyo KULMIYE.

Hargeysa (Haatuf): Wararka naga soo gaadhaya gobolada ioy degmooyinka qaarkood ayaa sheegay inay taageerayaasha labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE jawaab kala duwan ka bixiyeen go’aankii ku dhawaaqidda natiijadii doorashada.

Taageerayaasha xisbiga UDUB ayaa damaashaad iyo mashxarad ku soo dhoweeyey guushii xisbigooda loogu bishaareeyey, halka ay taageerayaash xisbiga KULMIYE aad uga cadhoodeen natiijada ka soo baxday guddiga doorashooyinka ee sheegtay in xisbigooda laga guulasytay, waxayna wararku sheegeen in meelaha qaarkood ay gadood ka sameeyeen, tusaale ahaan magaalada Burco oo uu xisbiga KULMIYE taageeradiisa ugu badan ee xagga codadka ka helay ayey wararku sheegeen inay taageerayaasha KULMIYE cadho iskula dhex wasayqeen, una qaadan waayeen markii la sheegay in xisbigooda laga guulaystay, waxaana dhacay dhaqdhaqaaqyo walaac leh oo la sheegay inay nabadgelyada saamayn ku yeellan karaan.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa ku soo waramay inay taageerayaasha xisbiga KULMIYE gelinkii damaashaadayeen, ka dib markii ay tibaax ku maqleen inuu xisbigoodu guulaystay, laakiin gelinkii dambe waxa damaashaaday taageerayaasha xisbiga UDUB, ka dib markii loogu bisheereeyey inuu xisbigoodu guulaystay, waxaana halkaa ka aburmay isku dhacyo dhexmaray taageerayaasha labada xisbi.

Sidoo kale Axmed Yuusuf oo Haatuf ka tirsan ayaa ku soo waramay inay taageerayaasha xisbiga KULMIYE cadho jir-jir cadka iska rogeen markii ay maqleen in xisbigoodii laga guulaystay, halka ay dhinaca kalena taageerayaasha UDUB damaashaadeen, iyadoo ay dhaceen iska hor imaadyo iyo gadoodyo aan tafaasiil badan weli laga bixin.

Sidoo kale weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar ayaa ku soo waramay inay taageerayaasha labadan xisbi dareemo kala duwan ka bixiyeen go’aankii natiijada doorashada ee ay guddiga doorashadu ku dhawaaqeen.

Boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga UDUB ayaa damaashaad ku maray suuqyada magaalada Boorame, kuwaas oo u damaashaadaya guusha xisbigooda loogu bishaareeyey, iyaga oo ku dhawaaqaya weedho muujinaya taageeradooda madaxweyne Daahir Rayaale, laakiin dhinaca kalena taageerayaasha xisbiga KULMIYE ayaa sheegay inaanay ku qanacsanayn qaabkii loo maamulay doorashooyinkii ka dhacay gobolka Awdal iyo natiijooyinkoodii toona, isla waxay taageerayaasha KULMIYE sheegeen inay taageerayaasha UDUB shiideen xafiiska KULMIYE ee Boorame, laakiin dareemada kala duwan ee ay ku dhawaaqidda ka bixiyeen taageerayaasha labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE waxay sababeen isku dhacyo rabshado xanbaarsan oo ka dhacay magaalada Boorame, taasna oo ay dadka qaar u arkaan in hadii ay sii socdaan ay keeni karaan xasilooni daro dhibaato keenta.

“Go’aanka guddiga doorashadu guusha aanu lahayn ku siiyey UDUB ma aqoonsanayno”, sidaa waxa yidhi qaar ka tirsan taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Boorame, wuxuuna weriyaha Haatuf ku soo waramay inaanay ciidamada amnigu isu kala bixin wax ka qabashada rabshadaha dhexmaray taageerayaasha labada xisbi.

Sidoo kale magaalada Hargeysa inkasta oo aan laga dareemin iska hor-imaadyo balaadhan, hadana waxay sanqadhoodu baxaysay damaashaadka taageerayaasha UDUB guru damaashaadayaan guusha xisbigooda loogu bishaareeyey, isla markaana waxay wararka qaar tibaaxeen inay xaafadaha Hargeysa qaarkood ka dhaceen isku dhacyo aan sidaa u xoog badnayn.

Top


Xisbiga KULMIYE Oo Jawaab Diidmo Ah Ka Bixiyay Natiijadii Ay Ku Dhawaaqeen Guddiga Doorashooyinku.

“Waxay ku dhawaaqeen tiro khaldan oo aan la isla ogeyn, iyagaana ka mas’uul ah wixii ka yimaadda,” Maxamed X. Maxamuud Cumar Xaashi.

Hargeysa (Haatuf): Xisbi KULMIYE ayaa shaaca ka qaaday inaanay ku qanacsanayn go’aanka natiijada ka soo baxday cod-bixintii doorashada ee ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen, waxayna sheegeen in tirada xisbigooda loo yeedhiyey tiro qalad ah, isla markaana ay guddigu yeedhiyeen tirooyin aan ahayn tirooyinkii la isla saxeexay, balse ay guddigu wax ka bedeleen.

Shir jaraa’id oo uu xalay cawaysinkii magaalada Hargeysa ku qabtay gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Maxamed X. Maxamud Cumar-Xaashi waxa uu ku sheegay inaanu xisbigiisu ku aqbalayn go’aanka lagu dhawaaqay oo uu ku tilmaamay go’aan wax qaldan xanbaarsan, isaga oo sheegay inaanay waxba ka ogayn meesha laga keenay tirooyinka lagu dhawaaqay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Xisbiga KULMIYE kuma qancin natiijada lagu dhawaaqay”, laakiin Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi isaga oo tilmaamaya sababta aanay ugu qancin wuxu yidhi “Marka hore tirooyinka la sheegay ma aha kuwii dhabta ahaa ee la isla wada saxeexay, waxaanuna haynaa meelo badan oo wax laga bedelay iyo ta labaad oo ah dib u dhigista dib loo dhigayey ku dhawaaqidda natiijada ay keentay farogelin ay xubno guurtida ahi soo farogeliyeen, iyadoo ay odayaashu guurtidu u socdeen dhexdhexaadin ay leeyihiin Dawladda iyo UDUB way diidan yihiin natiijada, dabadeedna ay doonayaan in wax laga bedelo oo sanaaduuq la tiriyo, balse sanaaduuq lama tiring, ta saddexaad iyadoo aan cidna loo yeedhin ayaa tirooyin aanay cidina isla ogayn lagu dhawaaqay, arintaasna wixii ka yimaadda waxa ka masuul ah iyo ciddii ku soo farogelisay, anaguse waxaanu taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan ummadda reer Somaliland waxaanu ka codsanaynaa inay nabadgelyada ilaaliyaan”.

Laakiin Maxamed mar la waydiiyey inay hayaan wax caddaynaya in tirooyinka wax laga bedelay, wuxuuna yidhi “Waanu haysanaa waxaanuna idin tusi doonaa tiradii la wada saxeexay, waxaanuna ka ashkatoonaynaa tirooyin la is dhaafiyey, isla markaana waanu soo bandhigaynaa tirooyinka la kala helay oo sax ah”.

Sidoo kale waxa Maxamed X. Maxamuud guddiga doorashooyinka ku eedeeyey inay natiijada ku dhwaaqeen iyaga oo aan xisbigooda waxba ogaysiin, isaga oo arintaa ka hadlayana wuxu yidhi, “Inta la yidhi dib baa loo dhigayaa oo guurtidaa soo codsatay in dib loo dhigo ayey guddiga doorashooyinku 4:00-tii galabnimo ku dhawaaqeen iyagoo aan cidna u sheegin, isla markaana aanay xisbiyada kala tashan tirooyinkan ay sheegeen.”

Top


Madaxweyne Rayaale Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Jawaabo Ka Bixiyay Ku Dhawaaqida Natiijada Doorashada.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa mar wax laga waydiiyey sida uu u arko natiijada lagu dhawaaqay wuxuu yidhi “Waanu hambalyeynaynaa cidda soo baxday, isla markaana xisbiga laga helay waxaanu u soo jeedinaynaa inay ogolaadaan natiijada.”

Sidoo kale madaxweyne Daahir Rayaale ayaa isna dhiniciisa ka hadlay natiijada lagu dhawaaqay ka hadlay, isaga oo hambalyeeyey, isla markaana bogaadiyey dadka reer Somaliland ee sida nabadgelyada ah u codeeyey, wuxuuna yidhi “Marka hore waanigii idhi Somaliland doorasho ayey ku iibsamaysaa, sidaa darteed guusha guru weyn ee meesha taal waxa weeye Somaliland inay u gudubto marxaladdan doorashada, mar labaadkna waxaan u mahad naqayaa ummadda reer Somaliland ee sida nabadgelyada ah u codaysayiyo guddigii doorashada ee ka shaqaynayey.”

Laakiin madaxweyne Rayaale mar la waydiiyey sida uu u arko natiijada ka soo baxday doorashadii iyo guusha loogu dhawaaqay wuxu yidhi “Walaahay guusha aan gaadhay waa guul ay Somaliland oo dhami gaadhay, xisbiyada kalen waxaan leeyahay saddexdayada mid uun baa la dooran lahaa markaa hadii aniga la I doortay waxaan u arkaa wax caadi ah, hadii kuwa kale la doorran lahaana waxaan u arki lahaa wax caadi ah.”

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu yidhi “Kolay ma jirto wax cadaawad ah oo na dhexeeya aniga ioy ragga kale, waanuna soo dhowayn doonaa, dadweynahana waxaan kula dardaarmayaa inay nabadda ilaaliyaan, meeshana aanu soo gelin wax naxli ahi, lagana wada shaqeeyo iyo wada jirka.”

Top


Burco Iyo Jawigii Ay Uga Dhacday Doorashadu, Warbixin - Caraale M. Jaamac.

Burco (Haatuf) Dadka reer Somaliland ayaa April 14keedii u dareeray doorashooyinkii la sugayey ee madaxtooyadda, haddaba sida ay doorashooyinku uga dhaceen magaalada Burco iyo dareenkii dadka waxa warbixin inooga diyaariyey Caraale Maxamuud Jaamac, oo ka tirsan Haatuf, isla markaana mid ahaa goob joogayaasha ka socda ururka xuquuqda Aadamaha ee Samo Talis, oo wakhtigii doorashada ku sugnaa magaalada Burco waxaana uu warbixintiisa ku bilaabay sidan:

“April 14keedii waxa ay ahayd maalin si weyn wax uga bedeshay geedi socodka iyo nidaamka kala guurka ah ee dadka reer somaliland ku doonayaan inay ugu talaabaan hirgelinta hanaanka tartanka iyo xisbiyadda badan ee nidaamka Dimuraadiga ah, ka dib markii ay doorashooyinkii ugu horeeyey ee golayaasha deegaanku ka dhaceen dalka 15-kii December 2002, kuwaasoo ay ku tartamayeen lix urur siyaasadeed.

Laakiin tijaabadaa ugu horeysay oo ahayd mid lagu guulaystay, waxa ka soo dhexbaxay golayaal deegaan iyo saddex xisbi siyaadeed oo u gudbay xisbiyo qaran, arrintaasi waxay noqotay mid si weyn uga farxisay shacbiga reer Somalilannd, isla markaana dunida u iftiimisay sida ay dadka reer Somaliland uga dhabtahay inay gaadhaan himilooyinka iyo ujeedooyinkooda waxayna arrintaasi u quus goysay nacabka iyo cadawga Somaliland.

Guulihii laga gaadhay tijaabooyinkaa hore ee doorashooyinka ayaa keenay in lagu dhiirado doorashooyinka madaxtooyadda, hase yeeshee waxay taasi ku dhiiri-gelisay dadka reer oo ka dhacday dhamaan gobolada iyo degmooyinka somaliland inay 14-kii April u dareeraan doorashooyinka madaxtooyadda, oo ay ku tartamayeen musharaxiinta saddexda xisbi ee KULMIYE, UDUB, UCID.

Doorashadan oo ahayd mid aad loo xiisaynayey, waxay dadku u dareereen subaxnimadii hore, goobaha codbixinta, iyaga oo galay safaf dhaadheer, si ay codkooda u dhiibtaan, iyada oo ay ka muuqato kalsooni ayey dadka reer Burco u dareeree goobaha wuxuuna qof waliba u dhiibanayey codkiisa si xor ah isaga oo siinayey xisbiga uu doono ee uu taageersan yahay.

“Cidkasta raaco haddaad footeysay waad fiicantahay” sidaa waxa yidhi Oday da’ weyn oo weydiiyey saaxiibkii inuu soo codeeyey iyo inkale. Waar hurdada ka kacoo orod codkaaga bixi,” sidaa waxa ku dhawaaqday hooyo la hadlaysay inankeeda, oo ku dhiirigelinaysay inuu codkiisa dhiibto, laakiin may magacaabin cidda uu siinayo, waxyaabahaasi waxay muujinayaan sida ay dadku u xiisaynayaan doorashada, iyada oo qof waliba u danaynayey inuu xisbigiisu noqdo ka guushu raacdo, gebagebada doorashada, balse waxa jiray dad aan iyagu ka qayb qaadan codbixinta, waxayna dadkaasu ahaayeen kuwa waayey fursada ay ku codeeyaan, iyo qaar aan iyagu ku talo gelin inay codkooda dhiibtaan. Hase yeeshee waxa la odhan karaa, dadka codkooda dhiibtay waxay u badnaayeen dumarka iyo dhalinyarada oo laga dareemayey goobaha codbixinta, oo ay ku jiiraan safafka dhaadheer dumarka iyo dhalinyaradu waxyaabaha muujinayay sida Dimuqraadiga ah ee ay dadku codkooda u dhiibanayeen waxa tusaale loo soo qaadan waayeelka iyo ubadkiisa midba xisbi u codeeyey, laakiin dhinaca kale lama odhan karo wax nusqaan iyo dhaliil ahi, oo laga dareemayey goobaha codbixinta xisbiyadda, shaqaalaha goobaha iyo dadka footeynayeyba, laakiin marka loo eego meelo badan oo dunida ah, iyo sida ay doorashooyinku inoogu cusub yihiin waxay shacbiga Somaliland muujiyeen wax mucjiso oo ay indhaha caalamku eegayeen, casharada laga bartay doorashadan iyo tii ka horeysay-ba waxay noqon doonaan kuwa looga faa’iidaysto doorashooyinka dambe, balse waxa lagama maarmaan ah inaan la lumin fursada dahabka ah ee doorashooyinka iyo guusha ay muujiyeen shacbiga Somaliland.”

Top


Ka Fogow Fikradaha Khaldan.

Mr Homer, Cory markii uu isku qanciyey inuu yahy cishqigii aqoonta waxay ahayd markii uu iibiyey mid ka mid ah riwaayadihiisii oo la odhan jiray “West of the water tower” ee uu ka iibiyey mid ka mid ah shirkadaha filimada soo saara, ee Holly-wood wuxuu helay lacag aad u badan, oo isaga iyo xaaskiisaba u suurta gelin lahayd inay dalxiis ahaan ugu soo wareegaan Yurub sida ay sameeyaan dad badan.

Dhawr bilood ka dib wuxuu qoray riwaayad kale oo ay ka iibsatay shirkad ka mid ah kuwa filimada sameeya wuxuuna mar kale helay macaash fara badan.

Mr Homer waxa loo soo bandhigay qorshe lagaga dalbanayo inuu joogo magaalada Holly Wood si uu dejiyo riwaayadaha ay samayso shirkadda filimada ee Willy.

Hase yeeshee Mr. Homer oo u muuqday nin uu la socdo wakhtigu wuxuu isku qanciyey inuu yahay nin ku fadhiya cishqigii aqoonta, waxaana galay hami iyo qami aanu lahaan jirin, markii uu diiday dalabkii shirkadd iyo joogitaankii Holly wood, wuxuu ku soo laabtay magaalada New York isaga oo si caadifadaysan u qaatay sheekadii ay saaxiibadii ug sheekeeyeen ee ahayd inuu sida ninkii ay tilmaameen ee lacagta badan ka helay iibka iyo ka ganacsiga dhulka waxayna saaxiibaddii ninkaa ku tilmaameen mid waageeni ah oo wakhti yar joogay dalka Maraykanka isla markaana aanu ahayn xataa nin si fiican u yaqan luqad oo uu ka yimid dhinaca faransiiska. Waxyaabahaasi waxay ahaayeen sifooyinkii ay ka bixiyeen ninka ganacsadaha ah. Laakiin Mr Homer wuxuu isku qanciyey inuu si fiican u noqon karo ganacsade waxaanu ku dhaqaaqay inuu iibsado dhul aanay magaalada New York gaadhin oo uu doonayey inuu iibiyo hase yeeshee wuxuu la kulmay mushkilad dhaqaale ka dhacday dalka Maraykanka wuxuuna awoodi waayey inuu iska bixiyo lacagtii cashuurta ee ay dawladdu ka doonaysay dhulka iibsaday, balse waxa iyana si weyn ula sii degtay aqoonta aanu u lahayn ganacsiga, wuxuuna galay xaalad murugo iyo wer wer leh. Laakiin waxaas oo dhan waxa u dheeraa iyada oo ay gabi ahaanba xidhmeen ilihiisii dhaqaale ka dib markii ay suuq waayeen riwaayadihii uu samayn jiray ee uu ka iibin jiray jaraa’idka waxayna riwaayadihiisii uu qorayey noqdeen kuwo aan tayo fiican lahayn sababta oo ah waxa lumay dareenkiisii uu wax ku curinayey oo isku bedelay mid si indho la’aan ah u raacay sheekooyin cadifadaysan.

La Soco axadda dambe waxyaabihii qabsaday Mr. Homer iyo Guuldarooyinkiisii.

Top


Goob-joogayaasha.

Goob-joogayaasha

Hargeysa (Haatuf): Inta badan goob joogayaashii ka yimid caalamka ee goob jooga ka ahaa doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday 14-kii bishan April ayaa amaanay sidii ay u dhacday doorashadii marka la eego inta badan goobihii codbixinta ee dalka oo dhan, waxaanay ka hadlayeen sidii ay u dhacday codbixintu ka hor intii aan la soo saarin natiijaddii doorashada, ee shalay ay Komishanku ku dhawaaqeen, sidaa darteed amaantood waxa ay ku koobantahay uun sida ay dhacday doorashadu, balse dhinaca natiijadda lug kuma laha.

Weftigii ka socday Koonfur Afrika ayaa isagu dhiniciisa ku tilmaamay doorashadu inay ahayd mid u dhacday si xor ah, oo nidaamsan, isla markaana ay ku dhamaatay si nabadgelyo ah, waxaanay sidaa ku sheegeen, warbixin ay ka soo saareen doorashada.

Taasoo ay ku yidhaahdeen “Waxay noo ahayd anaga waayo-aragnimo ku saabsan inaanu idinkala qayb galno, dedaalkiina ku waajahan sidii aad u dhisi lahaydeen mujtamac Dimuqraadi ah. Iyada oo ay jiraan duruufo bulsho, iyo kuwo dhaqaale, oo adagi oo haysta dalkiina haddana muwaadiniintiinu waxa ay u dareereen codbixinta oo ay ka dhiibteen codkooda sida waajibka ah. Waxaanu rumaysanahay in cidda ugu weyn ee ka faa’iidaysatay doorashadani ay tahay Dimuqraadiyadda.”

Xubnihii iyaguna ka socday Baarlamaanka Kanada oo ka mid ahaa goob joogayaasha caalamiga ah ayaa iyaguna ku tilmaamay doorashadii inay ahayd mid guulaysatay isla markaana may dhicin waxaan ahayn khalado yar yar, oo aan dhibaato lahayn, waxaanay intaa ku dareen in inkasta oo ay Somaliland xaqiijisay guul ku waajahan ka gudubka marxaladii beelaha iyo dhaqanka ee markii hore lagu dooran jiray hogaanka dalka, loona gudbay nidaamka axsaabta badan, haddana waxa waajib ah in dadka reer Somaliland ay u socdaan si digtoonaani ku jirto, iyo dhawrsoonaan si ay iskaga ilaaliyaan inay dhacaan wax khilaafaad ahi, marka la soo saaro natiijadda.

Waxaanay intaa ku dareen in doorashadu ay ahayd mid xor ah guulna ku dhamaatay, taas oo aan wax shaki ahi ku jirin, “Laakiin dedaalkiina iyo halgankiina dheer ee ku waajahan sidii aad u heli lahaydeen ictiraaf caalami ah waxa qaadaysa daysha hadii uu khilaaf iyo muran soo baxo marka natiijada lagu dhawaaqo” ayey hadalkooda ku soo gabagabeeyeen waftiga ka socday baarlamaanka kanada.

Iyadoo ka hadlaysa doorashadu sidii ay u dhacday haweenay ka socotay baarlamaanka Sweden oo la yidhaa Brigitte Ohlosson kana tirsan xisbiga Liberal-ka ayaa iyaduna amaantay sidii ay u dhacday doorashadu, waxaanay muujisay sida ay ugu faraxsan tahay imaatinkeeda Somaliland markii ay doorashadu dhacaysay si ay ugu caddaato micnaha ay leedahay tijaabada loogu dhawaanayo dimuqraadiyada ee ka socota Somaliland. Waxaanay intaa ku dartay, in doorashada madaxtinimada ee Somaliland ka dhacday ay ahayd mid aad u wanaagsan, iyadoo hadalkeeda sii wadatana waxay intaas ku dartay inay ka werwersanayd sida ay doorasho uga dhici karayso dal Somaliland oo kale ah maadaama ay hore u soo aragtay tijaabooyin tan oo kale ah oo lagu fashilmay kuwaas oo ka dhacay meelo kale oo ka mid ah caalamka.

Ugu dambayntiina waxay muujisay inay doorashadu u dhacday si waafaqsan qaabka dalka Sweden ama si ku dhow.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga.

Mingistu: Run ahaantii marka aad eegto ciidamadayada gudaha maalin-ba maalinta ka dambaysa ayey arimahoodu isbedelayeen, waayo waxa dhacaysay ciidanku marka uu weerar qaado ee uu guulaysto, isla markaana uu ciidankayagu dhul uu cadawgu haystay ka qabsado waxa dhici jirtay inuu cadawgu isna sidoo kale weerar nala beegsado oo ay dhacaan waxyaalo kaa cadhaysiiyaa.

Dhibaatada kale ee jirtay ee ciidankayaga gudihiisa ka jirtay oo ahayd mid mar-ba marka ka sii dambaysa sii balaadhanaysa waxay ahayd musuqmaasuq , taas oo ay ciidamada qaarkoood ay xataa dagaalada ka dhigteen goobo ay ka baayacmushtareeyaan, laakiin ilaa iyo intii noogu dambaysay marka la eego hubka ay haysteen iyo tiradooda ciidanku waxa uu ahaa mid aanay jirin cid la barbar dhigaa, wuxuuna run ahaantii ahaa ciidan lagu faano, taas oo marka la eego mawqif adaygiisa, hogaamiyayaashiisa wanaagsan iyo sida dhinac walba looga dhisay uu gaadhay heer la isku hallayn karo. Hase yeeshee ciidanku markii dambe ma guulaysan, balse guuldaradaasi waa mid ka timi dhinaca siyaasaddda , markaa guuldaradu may ahayn dhaqaale ama wax kale ee waxay ahayd ka timi halkaa (dhinaca siyaasadda), waxayse tahay su’aasha meesha taal maxay tahay sababta ay taasi u dhacday.

Inkasta oo filayo inaanay cidina doonayn inay dhegaysato wasxyaalihii uu Lening yidhi, hadana waxa uu hore u yidhi “Xukunka inaad qabataa waxa la yaabaa inay wax fudud noqotaa, laakiin danta ummadda iyo nabadgelyada inaad sugtaa waxay noqonaysaa dhibaatada kuugu adag”.
Kaambaynkii kacaanku waxa uu ahaa wax guud ahaaneed oo dadka oo dhan ka dhexeeya, laakiin ma ahayn wax ku salaysan qabiil, diin iyo qoomiyad gaar ah, isla markaana aragtiyaha ama waxyaalaha ay dadku ku kala duwanaayeen ma ahayn wax qabyaalad ku salaysan ama jinsiyad la xidhiidha, waayo kacaanka aan waxyaalahaas oo kale sixi Karin ama aan wax ka bedeli Karin ma jirto wax faa’iido ah oo uu leeyahay, balse hadii si kale loo fasiro kacaanku waa mid aan dhamaad lahayn.

Hadii aad jeceshihiin iyo hadii kaleba marxaladaasi waxay ahayd mid uu dalkayagu soo maray, laakiin xiliyada qaarkood raggii geesiyiinta ahaan jiray waxay waqtiyadii u dambeeyey noqdeen niman lagu shaqaysto, waxayna arintoodu noqotay inay dib-dib u socdaan oo ay danahooda oo qudha ka fekeraan, taas oo ay tusaale ahaan ilaaween noloshii ciidanka iyo mabdi’ii ahaa inay dalkooda hooyo nafta u huraan, waxayna yidhaahdeen “Ma guulaysan karayno, isla markaana xal siyaasadeed in wax lagu maareeyo mooyaane dagaal ma soconayo”, ka dibna inta ay mawqif noocaas ah qaateen ayey wax walba faraha ka qaadeen, laakiin xal kasta oo siyaasadeed waanu soo jeedinay, balse waxba way ka socon waayeen.

La soco.

Top


Ciidamada Maraykanka oo qabtay wasiirkii maaliyadda ee Ciraaq.

Baqdaad (W.Wararka) - Ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalka Ciraaq ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen wasiirkii Maaliyadda ee xukuumaddii Sadaam Xuseen, kadib markii ay qabteen Booliiska dalka Ciraaq. Wasiirkan oo magaciisa la yidhaa Xikmat Ibraahiim Al-qaasaawi, waxa kale oo uu hore u soo qabtay jagooyinka ku xigeenka Ra’iisal-wasaaraha iyo masuuliyado sar-sare oo kale, waxaanu nambarka 45-aad kaga jiraa liiska xubnaha reer Ciraaq ee uu Maraykanku doondoonayo.

Sida uu sheegay af-hayeen u hadlay Maraykanka, mas’uulkani waxa uu lug ku lahaa barnaamijka ay Ciraaq ku samaysatay hubka halista ah, isla markaana wax laga weydiin doono arrintaas, balse waxa la sheegay inuu wasiirkani muddadii uu xilka hayay aanu wax lug ah ku yeelan falalkii ka dhacayay dalka Ciraaq, sidaa darteedna ay adagtahay in wax eed ah lagu helo.

Sidoo kale waxa la sheegay in ciidamada Maraykanku ay gacanta ku dhigeen mas’uul sare oo ka tirsanaa khuburada dhinaca hubka ee dalkaasi oo la yidhaahdo Camaad Xuseeb Cabdalla, kaasoo isna ka mid ah 55 mas’uul oo ay baadi-goob ugu jiraan Maraykanku, waxaana la sheegay inuu isagu isku soo dhiibay ciidamada Maraykanka.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay inaan ilaa iyo hadda war laga hayn halka uu ku dambeeyay Sadaam Xuseen, inkasta oo uu Telefishanka Abu-Dhabi baahiyay maalintii Jimcihii cajalad Fidyow ah oo uu ku duuban yahay Sadaam Xuseen.

Cajalada uu baahiyay Telefishanka Abu-Dhabi waxa kasoo baxay sawiro ka hadlaya Sadaam Xuseen oo ay dhinac joogaan taageerayaashiisu, waxaanu Telefishanku sheegay in laga soo duubay magaalada Baqdaad 9-kii bishan April, taasoo laba maalmood ka dambaysay markii ay ciidamada Maraykanku duqeeyeen dhisme ku yaala Baqdaad oo la sheegay inay ku jireen Sadaam iyo labadiisa wiil, Maraykankuna ay ku doodayeen inay ku dhinteen.

Sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan Maraykanku, inkasta oo cajaladan la baahiyay inaanay weli taasi cadaynayn halka uu ku sugan yahay Sadaam Xuseen waxaanay shaki ka muujiyeen Maraykanku sida ay run u tahay cajaladaasi.

Dhinaca kale, waxaan weli cadayn xaaladda degenaanshiiyaha ee dalka Ciraaq, iyadoo ay weli ciidamada Maraykanku dedaal ugu jiraan sidii ay awoodooda ugu baahin lahaayeen dalka Ciraaq oo dhan.

Top


Shir laga yeeshay Ciraaq.

Riyadh (W.Wararka) - Shir ay ku kulmeen dalalka jaarka la ah dalka Ciraaq oo kala ah; Sucuudiga, Turkiga, Iiraan, Suuriya, Urdun iyo Kuweyt oo ay weheliyaan dalalka Bahrain iyo Masar ayaa maalintii shalay ugu baaqay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska inay si deg-deg ah uga saaraan ciidamadooda dalka Ciraaq, iyo inaanay dalalkaasi guranin khayraadka dalkaasi. Waxaanay sidaa ku sheegeen bayaan ay kasoo saareen gebogebadii shir ay ku yeesheen magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga, iyagoo intaa ku daray in loo baahan yahay sidii dadka reer Ciraaq loogu oggolaan lahaa inay iyagu is xukumaan iyagoo xor ah.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Sucuudiga, Amiir Sacuud Al-faysal oo ka hadlay shirkan ayaa yidhi; “Ciidamada qabsaday Ciraaq sin-na sharci iyo xaq uma laha inay boobaan khayraadka dalkaasi.” Isagoo ku baaqay in si deg-deg ah looga qaado cuna-qabataynta dalka Ciraaq, marka la helo xukuumad ay leeyihiin dadka reer Ciraaq.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar, Axmed Maahir ayaa isaguna dhinaciisa sheegay in dawladaha ka qaybgalay shirkaasi ay isku waafaqeen qodobo ay ka mid yihiin in xoogaga shisheeye ay ka baxaan dalka Ciraaq, si shacbiga dalkaasi ay u doortaan xukuumadooda, si xor ah.

Isaga oo hadalkiisa sii wata wasiirku waxa uu ku baaqay, in la ixtiraamo qaranimada iyo bad qabka midnimada dhulkiisa, isla markaana inay qaramada Midoobay door aas aasiya ka qaataan arrimaha dalkaasi, waxaanu gaashaanka ku dhuftay in xukuumad uu maraykanku dabada ka wado laga soo dhiso dalka, isaga oo ka digay in dalka Ciraaq uu muddo ku soo jiro dawlad la’aan. Shirkan oo ahaa mid aan caadi ahayn oo ay dalalkaasi ka yeesheen xaaladda dalka Ciraaq, waxa kale oo ay cambaareeyeen hanjabaada maraykanka ee ku waajahan dalka Suuriya waxa kale oo ay isla soo qaadeen sida ay noqonayso xaaladda dalka Ciraaq, ka dib markii la riday Sadaam Xuseen, iyo saamaynta arrintaasi ku leedahay dalalka Gobolkaasi,

Top


Suxufi ku dhintay Falastiin.

Qudus (W.Wararka) Suxufi Falastiini ah ayaa dhintay shan qof oo rayid ahina way ku dhaawacmeen ka dib markii ay ciidamada Israa’iil rasaas ku fureen iyaga oo jooga magaalada Naabalus ee daanta galbeed ee wabiga Urdun.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya halkaasi ciidamada Israa’iil oo wata taangiyo iyo hubka culus ayaa galay magaalada Naabalus subaxnimadii shalay si ay u soo xidh-xidhaan dad deegaanka ka tirsan, laakiin dhalinyarada reer Falastiin ayaa ugu jilib dhigay dhagxaan iyo quraarado, taas oo keentay inay ciidamada Israa’iil rasaas ooda kaga qaadaan, taas oo ku dhacday suxufiga oo si deg deg ah ugu dhintay goobtaas, suxufigaas oo la odhan jiray Nasii Daruusa, waxa uu ka shaqaynayey Tv-ga falastiiniyiinta, Wargeyska Al-Xayaad iyo wakaalada wararka ee AP.

Dhinac kale waxa weli socota dedaalkii ku waajahnaa sidii loo soo afjari lahaa khilaafaadka ka dhashay dhismaha xukuumadda Falastiiniyiinta kaasoo u dhaxeeyey Yaasir Carafaat iyo Ra’iisal wasaaraha la magacaabay Maxamuud Cabaas Abu Maasi waxaanay wararku sheegayaan in haatan la soo afjaray khilaafkaasi, ka dib markii wada hadalo dheer laga yeeshay.

Top


“Axsaabta, Gaar Ahaan UDUB Waxa Laga Codsanayaa In Ay Nabadgelyadda Dalka Ilaaliyaan” Wasiirka Daakhiliga.

Hargeysa (Haatuf) - Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa ugu baaqay shacabka iyo Axsaabta siyaasadda inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasilloonida, mar haddii lagu dhaawaqay natiijada doorashadii madaxtinimada ee dalka, gaar ahaana waxa uu wasiirku ugu baaqay xisbiga UDUB inuu joojiyo dhoola-tuska iyo damaashaadyada ay wadaan taageerayaashiisu, kadib markii la sheegay inuu xisbigaasi ku guulaystay doorashadii madaxtinimada.

Waxay tani ka dambaysay markii ilaa maalintii shalay ay dhaceen dabbaal-degyo iyo damaashaadyo iska soo horjeeda, iyadoo meelaha qaarna la sheegay inay iska-horimaadyo ka dhaceen.

War-saxaafadeed uu wasiirku arrintaa kasoo saaray isagoo faah-faahsan wuxuu u qornaa sidan:

“Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay umadda reer Somaliland oo dhan uga mahad-naqaysaa sidii wadaniyadda lahayd ee nabadgelyadu saldhigga u ahayd ee ay ugu dareereen codayntii doorashooyinkii taxanaha ahaa ee aftidii Distoorka JSL, doorashadii golayaasha degaanka iyo tan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Wasaaradda A. Guduhu waxay qiraysaa oo aanay kala masuugayn inay umadda reer Somaliland hormood ka tahay ilaalinta iyo adkaynta sugidda nabadgelyada iyo xasiloonida dalka. Doorashada madaxweynaha oo ku bilaabantay kuna dhammaatay xasilooni iyo nabadgelyo waxay umadda reer Somaliland u tahay amaan iyo sharaf. Guushaas oo ka turjumaysa falsafadda istaraatiijiyadda siyaasadeed iyo gooni-isutaaga Somaliland iyo dhismaha qaranimada ee tartanka nidaamka Axsaabta badan ku salaysan, sal-dhigna u ah dedejinta aqoonsiga Somaliland.

Dhammaan Axsaabta waxa laga codsanayaa inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasiloonida dalka, gaar ahaana xisbiga UDUB waxa laga codsanayaa inay joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada gaadiidka iyo dhoola-tuska guusha raacday, waxaana lagu baraarujinayaa inay sugaan waqtiga ku habboon ee munaasibadaha xusidda marti-qaadyada.

Ugu dambayn umadda reer Somaliland waxaan ku adkaynaynaa ilaalinta xasiloonida iyo ammaanka, feejignaana u yeeshaan dadka kasoo horjeeda jiritaanka iyo madax-bannaanimada Somaliland."

Top