Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 315 Date April 21, 2003

Maxkamadda sare Somaliland ma ka bad-baadin doontaa murran siyaasadeed,
M/Amiin Jibriil.

Xamaasadda Ka Dhex Aloosan Taageerayaasha Xisbiyada KULMIYE Iyo UDUB Iyo Waxyaalihii U Dambeeyay, “Anigu Ma odhan Madaxweyne Ma Geyno, Laakiin…” Ibraahim Magan - Boorama.

Saddexda Xisbi Mid-Ba Sidee Loo Arkaa.

Shir-Gudoonada Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Iska Leexiyay Eedaymo Uu Xisbiga KULMIYE U Jeediyay, “Annaga waxa noo yimi Cabasho xoogleh oo ka timi xisbiga UDUB…”

Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan Caaro-dhuub, Q:26aad.

ODHAAHDA AKHRISTAHA, Guul Iyo Guuldarro-ba Xaaladdan Maxaa Haboon?

Natiijadii Commissionka, Udub Iyo Jahawareerkii Kulmiye.

Hanbalyo Iyo Bogaadin.

Khilaaf Ka Taagan Dhismaha Xukuumadda Reer Falastiin.

Jenaraalka Uu Maraykanku U Magacaabay Maamulka Ciraaq Oo Lagu Wado Inuu Maanta Gaadho Baqdaad.

Islaamiyiin Lagu Xukumay.

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga.

Jilbo-Dhiig.


Maxkamadda sare Somaliland ma ka bad-baadin doontaa murran siyaasadeed, M/Amiin Jibriil.

14-kii Abril, 2003 ayey dadweynaha reer Somaliland u dareereen cod-bixinta doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka, waxaana ku tartamay xubno siyaasiyiin ah oo ka kala sharaxan saddexda xisbi ee UDUB, UCID iyo KULMIYE, kuwaas oo kala ah Madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka sharaxnaa xisbiga UDUB, Axmed Siilaanyo iyo C/raxmaan Aw-Cali oo ka sharaxnaa xisbiga KULMIYE iyo Faysal Cali Waraabe oo ka sharaxnaa xisbiga UCID.

Maalin ka dib markii ay cod-bixintii doorashadu dhamaatay waxa markiiba soo baxay warar la xidhiidha natiijada doorashada iyo sidii ay saddexda xisbi codadka u kala heleen, taas oo ay xisbiyada KULMIYE iyo UDUB qolo waliba goonideeda u soo tuurtay inay hogaaminayso tirada codadka, taasina waxay keentay jahawareer badan, iyadoo ay dadweynaha reer Somaliland si nabadgelyo ah u codeeyeen, taasina ay tahay wax aad loogu majeertay. Laakiin dhinaca kalena waxa mar walba soo baxayey warar sheegaya inaanay labadan xisbi wax la sheego is dheerayn ee ay tiro ahaan aad isugu dhowdhow yihiin.

Inkasta oo ay ilaa laba ama saddex maalmood soo baxayeen warar is-burinaya oo mar la leeyahay UDUB baa helay, marna la leeyahay KULMIYE ayaa helay, hadana maalintii ka horaysay maalintii lagu dhawaaqay natiijada iyo maalintii lagu dhawaaqay natiijada gelinkeedii hore waxa soo xoogaystay warar sheegaya inuu xisbiga KULMIYE guulastay, taas oo ay taageerayaasha KULMIYE ka sokow ay dad badan oo kale aaminsanaayeen, laakiin waxay wax waliba isbedeleen markii ay guddiga doorashooyinku natiijadii kama dambaysta ahayd ku dhawaaaqeen galabnimadii Sabtida ee 19-kii Abril, 2003, taas oo ay guddigu ku dhawaaqeen inay guushii doorashadu raacday xisbiga dawladda ee UDUB, taasina waxay taageerayaasha xisbiga KULMIYE iyo dad kaleba ku noqotay lama filaan, isla markaana madaxda xisbiga KULMIYE ayaa markiiba natiijada lagu dhawaaqay ka bixiyey jawaab diidmo ah, iyaga oo sheegay in tirada la is dhaaf-dhaafiyey, waxayna ilaa hadda ku adkaysanayaan inay yihiin xisbiga guulaystay arintana aan si cadaalad ah loo maamulin.

Waxa kale oo ay hogaamiyayaasha KULMIYE arinta wax ka saareen shirgudoonada labada gole ee baarlamaanka (Guurtida & Wakiilada), kuwaas oo ay sheegeen inay farogelin ku sameeyeen natiijada, isla markaana ay saamayn ku lahaayeen go’aanka weecsamay.

Waxa kale oo maalintii shalay mudaharaadyo ka dhigay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland taageerayaasha xisbiga KULMIYE, mudaharaadyadaasna waxay taageerayaasha KULMIYE sheegeen inay kaga horjeedaan natiijada lagu dhawaaqay.

Sidaa awgeed maadaama uu xisbiga KULMIYE sheegay inaanu ismacayn natiijada lagu dhawaaqay, waxa halkaa ka dhashay dareen walaac leh, taas oo ay dadku iswaydiinayaan talaabada ay qaadan doonaan reer KULMIYE hadii ay sidaa ku qanci waayaan. Laakiin marka laga yimaaddo kudhawaaqidda guddiga doorashada maxkamadda sare ayaa ku dhawaaqaysa natiijada kama dambaysta, sidaa awgeed waxa maxkamadda looga baahan yahay inay il cadaaladeed wax ku eegto maadaama hore looga cabayo cadaalada daro, sidoo kale xisbiga KULMIYE isna waxa la gudboon inuu ilaa intii suurta gal ixtiraamaan go’aanka kama dambaysta ah ee ay maxkamadda ka soo saarto cabashadooda, isla markaana ay guud ahaanba dul-qaad muujiyaan.

Dhinaca kale xisbiga UDUB oo ay hogaamiyaan raggii talada wadanka soo hayey sagaalkii sannadood ee u dambeeyey waxa looga baahan yahay ama waajib ku ah inay ka fogaadaan wax kasta oo xaalad abuuri kara iyo inay ka fogaadaan wax fad-qalalo keeni kara.

Arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeene hadii ay reer KULMIYE ku adkaystaan mawqifkooda ah inaanay u hogaansamayn go’aanka ka soo baxay guddiga doorashooyinka ee natiijada doorashada waxa markaa muuqda dareen cabsiyeed oo ah inuu meesha yimaaddo murran isa soo tara oo aakhirka murug siyaasadeed keena, laakiin si looga bad-baado murran siyaasadeed xaaladda sii murgiya waxa maxkamadda sare looga baahan yahay in hadii ay cabashada xisbiga KULMIYE soo gaadho ay ku eegto daymo taxader iyo jawi cadaaladeed xanbaarsan, iyadoo ku dedaalaysa sidii ay xaqiiqda kama dambaysta ah u sugi lahayd, ka dibna go’aan cadaalad ah oo ay dhinacyadu ku qanci karaan soo saarto, sidoo kale waxa iyana muhim ah in baadhitaan lagu sameeyo cabashooyinka xisbiga KULMIYE ee uu sheegay in wax laga musuqmaasuqay.

Top


Xamaasadda Ka Dhex Aloosan Taageerayaasha Xisbiyada KULMIYE Iyo UDUB Iyo Waxyaalihii U Dambeeyay, “Anigu Ma odhan Madaxweyne Ma Geyno, Laakiin…” Ibraahim Magan - Boorama.

Boorame (Haatuf): Hudheelka la yidhaahdo Kulmiye iyo guriga uu leeyahay ninka la yidhaahdo Ibraahin Magan ayaa shalay subax waxyeelo loo geystay, ka dib markii ay dhagax tureen qaar ka tirsan taageerayaasha xisbiga UDUB, waxayna taasi qayb ka tahay buuqyo iyo iska hor-imaadyo xamaasad leh oo maalmahan-ba ka dhex-oognaa taageerayaasha labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE, iyadoo ay iska hor-imaadyadaasi socdeen laga soo bilaabo maalintii cod-bixinta doorashada ee 14-kii bishan aynu kun jirno. Laakiin sida ay wararku sheegeen taageerayaasha xisbiga UDUB ayaa sida la sheegay hafiyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE, iyadoo ay taageerayaasha UDUB gobolka Awdal kaga badan yihiin taageerayaasha xisbiga KULMIYE.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar badhasaabka gobolka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi ayaa habeen hore dadweynaha reer Boorame, gaar ahaan taageerayaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB la hadlay, isaga oo ku booriyey inay xasiloonida ilaaliyaan, isla markaana ay joojiyaan xamaasadda iyo iska hor-imaadyada dhibaatada keeni kara.

Mulkiilaha hudheelka Kulmiye, Ibraahin Magan waxa uu ka mid yahay taageerayaasha xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa uu ka mid yahay meelaha ay taageerayaasha xisbiga UDUB bartilmaameedka ka dhigteen, laakiin xamaasadda iyo loollanka xisbiyada ka dhexeeya ka sokow waxa kale oo ay taageerayaasha UDUB ku eedeeyaan inuu Ibraahin Magan ku tiraabay ereyo dheg-xumo ku ah dadka reer Boorame, balse Ibraahin isaga oo hadalada la sheegay jawaab ka bixinaya wuxu yidhi, “Anigu waxaan ka mid ahaa raggii u ololaynayey xisbiga KULMIYE, waxaana bartilmaameed la iiga dhigtay, iyadoo hadalo wacyi-gelin ah oo aan ayaamihii ololaha idhi ay dad beesha madaxweynaha ka soo jeeda si qalad ah u fasirteen, taas oo lagu doonayo in lagu wiiqo sumcadayda.”

Laakiin Ibraahin, isaga oo tilmaamaya hadalka uu yidhi iyo sida qaldan ee loo fasiray wuxu yidhi, “Hadalkan oo aan ka jeediyey tuulada Qulujeed waxaan idhi markii Boorame la isugu yimi 1993-kii waxa la ina siiyey madaxweyne-kuxigeenka, markaa hadii aynu manta doorano madaxweyne shaki baan ka qabaa inaynu helayno iyo inkale, ka dibna hadalkaas ayey dad ujeeddo lihi u fasireen si qaldan, taas oo la yidhi wuxu yidhi madaxweyne ma geyno, mana jirto meel aan sidaa ku idhi, laakiin sidaa qaldan ee wax loo fasiray waa ta keentay in waxyeelo loo geysto magacayga iyo hantidayda, balse hadii ay sii socoto ileyn lama kala adka’e waan is difaaci doonaa, maadaama ay shaqaalaha UDUB, ciidamada UDUB iyo maamulka UDUB waxba ka qaban waayeen wixii dhacay”.

Iska hor-imaadyada taageerayaasha labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE waxay mararka qaarkood isu rogaan gacan ka hadal dhaawacyo la isugu geysto, iyadoo ay ugu yaraan ilaa laba qof dhaawacyo soo gaadheen, ka dib markii ay lagu weeraray toorri iyo dhagxaan.

Dhinaca kalena waxa isla shalay magaalada Hargeysa ka dhacay mudaharaad ay ku talaabsadeen kooxo ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ka soo horjeeday go’aankii guddiga doorashooyinka ee ku dhawaaqidda natiijada doorashada, laakiin mudaharaadayaasha waxay is heleen cutubyo ka tirsan ciidanka booliska, kuwaas oo xoog ku kala dareeriyey, sidoo kale inkasta oo aanay soo bixin warar rasmi ah oo cadanayaan, hadana waxa jira warar u dhuundaloola xisbiga KULMIYE oo tibaaxaya in la xidh-xidhay xubno taageerayaasha xisbiga KULMIYe, isla markaana gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo ayaa waraysi uu saxaafadda siiyey shalay ku sheegay inay taageerayaasha xisbigiisu hatigaad iyo cagajuglayn kala kulmayaan maamulayaasha dawladda.

Waxa kale oo iyana aad loogu dhegtaagayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Burco oo la sheegay inay dareen cadho leh ka bixiyeen natiijadii ka soo yeedhay guddiga doorashooyinka ee sheegtay in xisbigooda laga guulaystay, waxaana jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya inay taageeraayasha xisbiga KULMIYE isu abaabulayaan mudaharaad balaadhan oo ay ka aloosaan meelaha magaalooyinka ah. Laakiin ilaa hadda lama hayo warar taa xaqiijinaya.

Dhinaca kalena waxa la isla dhexmarayaa warar sheegaya inay taageerayaasha xisbiga KULMIYE isu diyaarinayaan xaflado iyo damaashaadyo ay ku soo dhowaynayaan guusha xisbigooda loogu bishaareeyey, taas oo la filayo inay dhacdo maalmaha soo socda, Waxaase wadnaha farta lagaga hayaa in markasta oo uu yimaaddo xarakaad ay ku dhaqaaqaan taageerayaasha xisbiyada ay taasi keeni karto isku dhacyo rabshado isu bedela oo dhibaato ka dhalato.

Top


Saddexda Xisbi Mid-Ba Sidee Loo Arkaa.

Inkasta oo la odhan karo ma goldaloolo iyo dhaliilo la’ayn, hadana cod-bixintii doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka dhacday 14-kii Abril, 2003 waxay ahayd mid si wanaagsan u dhacday, taas oo ay dadweynuhu u codeeyeen si nabadgelyo iyo xilkasnimo ah.

Dhaliilaha la tibaaxay waxa ka mid ah goobo aanay muraaqibiinta xisbiyada qaarkood saxeexin, iyadoo marka ay tirintu dhamaato sharciyan loo baahan yahay inay xaashida goobta doorashada loogu talo galay wada saxeexaan dhinacyada kala ah gudoomiyaha guddiga doorashada ee goobta, kormeere guddiga sare ee doorashada ka socda iyo saddexda muraaqib ee saddexda xisbi.

Masalan xisbiga KULMIYE ayaa goob ka mid ah goobaha codbixinta Hargeysa ku dacwiyay in aanu saxeexin muraaqibka KULMIYE, taas oo ay arrimaha caynkaas oo kale ah iyo qaar kale loo hakiyay ilaa 24 sanduuq. Laakiin xisbiga UDUB ku dacwiyay in ay sanaaduuqdaa ku jiraan codad badan, sidaa darteed la tiriyo oo aan la joojin tirintood, iyadoo sanaaduuqdaasi ay ka mid ahaayeen Waaxda Gacan Libaax, Sabawanaag, Cadaadley iyo meelo kale.

Sidoo kale, Xisbiga UDUB ayaa cabashooyin ka keenay sanaaduuq gobolka Togdheer ah oo ay tiradoodu gaadhay ilaa 5 sanduuq, iyagoo ku dacwooday in muraaqibiintooda lala dagaalamay oo aanay goobta joogin, halkaasna uu ka dhashay khilaaf sababay inay tirrinta codadku hal maalin dib u dhacdo, laakiin aakhirkii waa la xalilay khilaafkaa.

Waxa kale oo iyana murran ka dhashay waraaqo degmada Gebilay ah oo ay xisbiga UDUB cabasho ka bixiyeen, iyaga oo eedaynayey xisbiga KULMIYE, sidaa darteed waxyaalahaas iyo wax la mid ah ayey wararka qaar leeyihiin baa dib u dhigay ku dhawaaqidda natiijada doorashada, aniga oo aaminsan inay khilaafaadkii labadii maalmood ee u dambeeyey ka taagnaa madasha guddiga doorashooyinka ay sabab u ahaayeen xubno guddiga doorashooyinka ah oo kala taageersanaa xisbiyada tartamaya, kuwaas oo keenay in wax la kala jiito, taas oo ay keentay inay guddigu marba xisbiyada u soo gud-biyaan natiijo aan dhamaystirnayn iyo warar kutidhi-kuteen ah oo odhanayey xisbi hebel baa intaa ku hogaaminaya iyo xisbi hebel baa intaa ku hogaaminaya, waxayna arintaasi jihowareer ku keentay taageerayaasha xisbiyada iyo guud ahaan dadweynaha, gaar taageerayaasha UDUB iyo KULMIYE. Sidaa awgeed taageerayaasha lagu yidhi xisbigiina ayaa guulaystay waxa marka dambe ku adkaanaysa inay qaataan marka lagu yidhaahdo xisbigiina waa laga guulaystay, waxaana dhibaatooyinka xisbiyadu keeneen ka mid ah barobagaande ay gelinayaan suuqa iyo shakadaha Inter-net-ka, taasina waxay keentay jihowareer iyo walaahow badan.

“Imisa ayeynu ku hogaaminaynaa,”ayey isku salaamayeen laba kasta oo isku xisbi ahi, waxaana maalmaha qaar suuqyada dhexqaaday kooxo dhalinyaro ah oo damaashaadaya oo kala taageersan KULMIYE iyo UDUB, iyadoo ay gaar ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE aad u ficiltameen, isla markaana ay marar badan muujiyeen xamaasad xoog leh oo suuqa kicisay, arimahaasina waxay keeneen inay guddiga doorashooyinku xisbiyada ugu baaqaan inay ka waantoobaan xamaasadda iyo damaashaadka ay samaynayaan inta ka horaysa ku dhawaaqidda natiijada. Waxaanse anigu billad sharaf siinayaa xisbiga UCID oo aan isagu xamaasad iyo sawaxan marna samayn. Isla markaana uu gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe yahay ninka ugu hadal haboon, iyadoo dhinaca kalena uu u muuqdo inaanu aad ugu harrraadanayn kursiga.

Tusaale ahaan xisbiga KULMIYE waxa uu ahaa xisbiga uu kaambaynkiisu ugu xoogga badnaa, iyadoo ay waxyaalaha ay dad badan soo jiitay ee uu sameeyey ay ka mid yihiin heesihiisa kaambaynka, waxayse dadka qaar xisbiga Kulmiye ku xantaan inuu yahay xisbi ay ka go’an tahay inuu kursiga ku fadhiisto, wax ka sokeeyana aanu ku qancayn. Sidoo kale waxa weeye xisbiga ugu afka dheer dhinaca saxaafadda.

Xisbiga UDUB doorashadan aad baa kaambaynkiisa loo dhaliilay, waxaana taa ugu wacan ayaa la yidhi sababo dhawr ah oo ay ka mid yihiin iyadoo ay wax ka bedeleen hanaankoodii kaambaynka ee xiligii doorashada dawladaha hoose iyo iyadoo wax laga bedelay madaxdii hore ee UDUB iyo ta kale dad xisbiga afka ka ahaa oo la moodayey inay u ololaynayaan, laakiin ka ololaynayay, iyadoo tusaale ahaan UDUB-tii reer Burco ay mar qudha ka jabtay xisbiga UDUB, una jabtay taageerada musharaxa reer Burco, marka laga reebo qoladii ASAD ee UDUB ku biirtay.

Ugu dambayn waxa dadweynaha reer Somaliland looga baahan yahay inay ilaaliyaan nabadda, sidoo kale xisbiyada siyaasadda ayaa iyaga looga baahan yahay inay nabadda iyo xasiloonida ilaaliyaan.

Top


Shir-Gudoonada Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Iska Leexiyay Eedaymo Uu Xisbiga KULMIYE U Jeediyay, “Annaga waxa noo yimi Cabasho xoogleh oo ka timi xisbiga UDUB…”

Hargeysa (Haatuf): Odayaasha Shirgudoonka labada gole ee Wakiillada iyio Guurtida, ayaa dhinac isaga riixay eed uu u soo jeediyay xisbiga KULMIYE oo ku saabsanayd natiijadii doorashada. Sidaana waxay ku sheegeen Shir-jaraa’id oo ay xalay fiidkii ku qabteen xafiiska Shirgudoonka Golaha Guurtida, waxayna sheegeen in ay iyaga meesha keentay cabasho uga timi xisbiga xukuumadda ee UDUB oo ka dacwoonayay komishanka qaranka, sidaa awgeed ay meesha u yimaadeen in ay talo ku darsadaan si loo dhawro nabadgelyada.

Gudoomiyaha Guurtida, Sheekh Ibraahim oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi; “Sababta aanu u tagnay, waxay ahayd cabasho ay noo sheegteen xisbiga UDUB oo ku saabsanayd saddex sanduuq oo ay doonayeen in loo tiriyo.”

Gudoomiye Xigeenka Golaha Wakiillada, C/qaadir Jirde oo uu Sheekh Ibraahim ka codsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sidii ay shirgudoon ahaan ku soo galeen hawsha natiijada ayaa sheegay in ay cabasho xoog lihi uga timi dhinaca Xisbiga UDUB, maalin ka hor markii ay qoraal ugu sheegeen in ay ku dhawaaqayaan subaxnimada natiijadii doorashada, wuxuuna Mudane C/qaadir yidhi, “Annaga waxa noo timi cabasho xoog leh oo dhinaca xisbiga UDUB ah, iyadoo komishankana maalintaa waraaqo noo keenay ay ku sheegayaan in ay natiijada doorashada ku dhawaaqayaan subaxnimada.”

Mudane C/qaadir, wuxuu intaa ku daray in ay cabashadaasi ahayd mid ay kaga cabanayaan xisbiga UDUB sanaaduuq badan oo ay sheegeen in si badheedh ah loo diiday in la tiriyo, kuwii la midka ahaana la tiriyay.

Mudane C/qaadir Jirde, wuxuu intaa raaciyay markii ay cabashadaasi soo gaadhay in ay habeenimadii u tageen Komishanka, ayna u sheegeen in ay jirto cabashadaasi oo ahayd sanaaduuq ka kala timid Gacan Libaax, 26 Juun, Cadaadlay iyo Daarasalaam, isla markaana ay ka codsadeen Komishanka in aanay ku dhawaaqin natiijada oo la isla eego, iyadoo axsaabtu wada joogto, sidaana ay ku tageen xarunta Guddiga Doorashooyinka, isla markaana waxa ay sheegeen in ay fahamsan yihiin in ay guddiga doorashooyinku hawshooda u madaxbannaan yihiin oo aanay taasi ka khaldanayn Odayaasha guurtida. Laakiin, ay eegayeen nabadgelyada oo ay cabsi ka qabeen, balse markii ay xarunta guddiga doorashooyinka tageen ay shir la galeen xubnaha guddigaasi, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wakiillo ka socda axsaabta, kadibna ay guddiga doorashooyinku u codeeyeen in sanaaduuqda uu xisbiga UDUB ka cabanayeen ay yihiin kuwo xisbiyadu ku heshiiyeen in aan la furin, sidaa awgeedna aanu ahayn go’aan ay kaligood gaadheen gudi ahaan, isla markaana ay shirgudoonku ku qanceen jawaabtii ay bixiyeen guddigu iyo doodii wakiillada axsaabta, sidaana ay ku wargeliyeen UDUB in aan meel laga dhaafo sharcigu jirin oo ay sugaan oo keliya natiijada soo baxda axsaabtu, laakiin Mudane C/qaadir wuxuu sheegay in ay arkeen taageerayaasha labada xisbi oo dabaaldegaya, sidaa awgeedna ay warqad codsi ah u qoreen guddiga doorashooyinka iyo axsaabta, warqadaas oo ay kaga codsadeen in dib loo dhigo ku dhawaaqida natiijada doorashada, balse ay diideen guddiga iyo axsaabtu, isla markaana wuxuu sheegay in aanu jirin sanduuq dambe oo dib loo furaa, kadibna waxa lagu dhawaaqay natiijadii. Sidaa awgeed ma jirto wax eed ah oo aanu ku leenahay ayuu yidhi.

Shirgudoonka oo la weydiiyay sababta ay u soo farageliyeen hawsha doorashada maadaama aanu dastuurku xaq u siinaynin, iyada sida ay dhex u noqon karaan, iyadoo qaarkood ka tirsan yihiin xisbiga UDUB, wuxuu sheegay Mudane C/qaadir in ay xaq u leeyihiin in ay nabadgelyada wixii wax u dhimaya kala hadlaan, isla markaana aanay isaga iyo gudoomiyayaasha labada gole ee Wakiillada iyo Guurtidu ku jirin xisbina.

Ugu dambayntii shirgudoonka labada gole, waxay u soo jeediyeen shacbiga Somaliland iyo xisbiyadaba in ay ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasiloonida.

Top


Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan Caaro-dhuub, Q:26aad.

Maahmaahyada garta dhaqanka: Gartu waxay leedahay maahmaahyo iyo Odhaaho badan oo loo isticmaalo, waxaana ka mid ah:

Gari laba nin kama wada qosliso
Laba garamay iyo laba gantamay (isdilay) galladi kama dhaxayso.
Gar waa loo wada islaam.
Nin gar yidhi ma tacadiyin.
Gar eexo, gacan laabban iyo gudoon jilicsan rag looguma talin karo.
Garta sheeg baa laygu yidhi ee ku dirir layma odhan.
Garawshiinyo waa geel siin.
Hashaada waa laga tagaa, halkaagase lagama tago.
Saddex baan maarradooda la helin, Min-weyn reer mulkiday, Mari Idaad (lax0 oo madow (Doog) wayday iyo muduci markhaati waayey.
Nin markhaati been ah kuu furay muraadkaagana ku gaadhay, isna waxa uu yahay ogaatay.
Raq-ba waa ku rageed.
Awr xamilkii waa qaadaa, xadhig qaloocanse ma qaado.
Nin aan garaw baranini, garna ma barran.
Taasi waa gar, dawse ma aha.
Gartu soddog iyo seedi midna ma taqaan ee allay taqaan.
Nin aan khatalmin xaal ma qabto.
Hadii ay qooni timaado, qunjuraafo hadhan.
Saddex waa gar, saddexna waa gardaro, saddexna waa galabsi.
Hadal iyo hilbaba kala qallan.
Miyeynu iswaalnaa oo laba halaad iyo badhley ayeynu qaadanaa, mise waynu miyir qabnaayoo laba halaad iyo badh baynu helnaa.
Madax aaddan lahayn miyirkiisa la isma saaro.
Gartaada debeddaa laga akhristaa.
Garna garteedaa lagu doonaa, Mandheerna garkeedaa lagu doonaa.
Gole waa saymo
Hoos-ba hadal leh.
Badh geel murran ma leh.
Dhac guudkii lagama hadlo.
Halka dhiig lagu daadiyo, xab ayaa lagu daadiyaa.
Gaal dil, gartiisana sii.
Waayeel ha gurrinee, wax aqoon gura.
Isna ha hadloodo.
Bidena gartiisa sii.
Xadhko geel ma wada xidhaan.
Marka indho gar lihi ooyaan, indho gar leh maxaad mooday.
Markhaati waa dhaar nin lihi diiday.
Hadii aad aragto nin calooshu ka soo dhacday oo uu ku soo ergoodo, ha garsiin ilaa aad kii kalena aragto waaba intaasuu go’aye.
Ninkii candhuuftaadu gaadho, gacantaaduna ha gaadho.
Ergo wixii la farona way geysaa, wixii la siiyana way cuntaa.
Rag waxa u ayaan darran nin doqonkii dacwiyey, nin durguftii duday iyo nin dameerkii bakhtiyey.
Xadhig habeenimo iyo xaajo guntan mid walba ninkii xidhay baa fura.
Wixii aan markhaati lahayni raajacsan.
Boqolle boqol baa lagu doonaa.
Gardaro garab og iyo gaajo guri og midna looma taag helo.
Walaalkaa magtana ka bixi, markhaatigana ku fur.
Tolkaa dhiig waa loo soo duwaa, dhaarse looma soo duwo.
Gari waa maxay.
Marag Ani.
La jiifiyaana banana.
Qoslaa hiil leh.
Waayeelku hadalkiisa kaftan buu ku dhamaystaa.
Belaayo hor la qabto ayey leedahay, daba la qabtose ma laha.
Ina Sanweynena u gee oo gartaasi waa sidaa.
Nin malagii galay iyo Mamaasan u gee.
Hubsiimo hal baa la siistaa.
Guddi raagtay ama hal meesha ku jira ayey ka saaraysaa ama hal aan ku jirrin ayey soo gelinaysaa.
Aduun I khatal.
Hadal nin kaa ka xigo iyo hawl nin kaa xigo midna lama hororsado.
Meesha aad nin ka qaadanayso, nin baad kaga tegaysaa.
Nin wiil lihi xeer ma duraanto.
Fara-madhan baa daawo xidhantaa.
Meeshii xoolo mareen baa xeer maray.
Farasaw kadlahaaga iyo kudladaada isla sug.
Waa Jemeshii Wacays Kaliile maxay noqon.
Gari laba nin kama wada qosliso.
Tolkaa eex laguma dilo.
Hadal xigaal iyo hilib idaad-ba qabawgaa lagaga dhergaa.
Lafahana gur, xaragona haka tegin.
Saadame ayaad garran.
Caduur dhowdhowdu uma dhacsana.
Aniguun baa aakhiradayda seegaye, aar walaal noqon-waa.
Colaadi wiil bay dishaa ee wiil ma dhasho.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA, Guul Iyo Guuldarro-ba Xaaladdan Maxaa Haboon?

Waxaa laga soo gudbay wakhti taariikhiyina oo Somaliland looga codeeyey doorshadii Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, dadku kala wada xisbi bay ahaayeen hadana isku wada xisbi weeye, doorashadani waxay ahayd mid aad ololaheedu u adagyahay oo si adag u loolameen laba xisbi ee Udub iyo Kulmiye, runtii sida loo baahnaa waa sidan waayo waxaa logu tartamayaa mar hogaankii dalka hadana waxaa loo tartamaya sidiiyoo laba kooxood oo kubad ciyaaraya sidii ay u tartami lahaayeen, runtii nin walba wuu isku dayay in uu guusha u soo hooyo Xisbigiisa. sideedaba in taan la tartamin waxay leedahay shuruudo tartanka horyaal u ah shuruudahaa waxaa ka mid ah in gudi dhexdhaxaadii goobjoog ka ahaato mar walba in laga badiyuhu samro mar walba in badiyuhu la yimaado dulqaad, iyo in is afgarad qurux badani yimaad goobahaas.

Haddaba doorashooyinkii Somaliland ka dhacay waxay ahaayeen kuwo taariikhiyanna dhanna culays badani soo saarmay shacabka dahabka ah ee horumarka jecel waxaad arkaysay sida adag ee labada xisbi tageerayaashoodu u kala taageerayaan runtii arin qaaliya weeye shacab fikradooda wax ku kala taageeraya aan qasab iyo cabudhis ku is ku haynin.

Taariikhdaa dahabka ahi waxaa suurto galiyay shacabkii kala xisbiyada ahaa hadana isku xisbiga ah, dhawr arimood oon ku soo gabagabaynayo qoraalkan baa waxay tahay!!!! 1) Adiga Suxufiga ah maxaa kula gudboon 2) Adiga taageeraha ah maxaa kula gudboon 3) adiga hogaamiye xisbi ah maxaa kula gudboon 4) Adiga shicib ah guud ahaanna maxaa kula gudboon.

Suxufiyahow waxaa kula gudboon in aad ka dhawrsanaataan ku tidhi ku teen iyo war aan jirin baahintiisa sida maalmahan danbe kolba webpage xisbi lagu taageerayo aan ku arkayay suxufi Axmed Siciid Cige oo ka hadlay sabtidii intaan doorashada lagu dhawaaqin in shir ay ku jiraan Gudida koomiishanka iyo dhammaan axsaabta hogaamiyayaasheedu waxa uu sheegay in labada xisbi midkood la qancinayo se wuxuu ku daray in aanu garanayn xisbi uu yahay xisbigaasi, hadaba suxufigu isaga oo xisbiguu doono u codayn kara hadana sharafta saxaafada uu huwanyahay in uu dhawraabaa haboon.

Adiga taageera xisbiyoowna waxaa kula gudboon mar hadii xisbigaad taageeraysay badiyay in bal aad daba joogtid xisbigaaga ood eegto waxyaabuhuu xisbigu ku balanqaaday in uu oofiyo kolba halkuu xaal marinayo, ood dalka daacad u ahaataan adiyo xisbigaaguba ilayn fikrad weeyey waxa idinka dhaxeeyaaye, Taageeraha laga badiyoow mid ba kula gudboon in aad xasuusato in bal xisbigan talada qabtay laftiisu yahay mid ka talinaya danta dalka fikradaha aad ku kala duwanaataan xasuuso mar kale mar hadii la tartamay waxaad filanaysay in ay ahayd guul ama guul daro oo u hogaansan kii badiyay una niyee, mida kalena labada taageerayaalba ha ogaadaan in kala xisbi la yahay hadana la isku xisbiyahay taasoo macnaheedu yahay in la wada hoos hadhsanayo xisbiga la yidhaah Somaliland.

Adiga hogaamiye xisbiyoow hadaad badisay waxaanu si hagar li’i ah kaaga sugaynaa in aad dhakhso u qabato wixii aad ugu ballan qaaday shacabkii ku taageeray ee meeshan ku saaray kow in aanad xifiltan la iman waayo maanta adaa dalka hogaaminaya, huwanna sharaftii mucaarid iyo muxaafidba, hogaamiyaha laga badiyoow mid baa kula gudboon in aad marna ku riyaaqdo codka taageerayaashaada marna iyaga samarsiisid waayo iyagaa kuu halgamay oo fikradahaaga isku dayay in ay dhabeeyaan shacabkaa dahabka ah tageeradoodii in aanad lumin mar kalena isku daydo doorashooyinka danbe in aad fikradahay kula qabaan isku daydo in aad dhabayso dhan uga soo wada jeesta wanaaga dalka iyo dadkaba.

Shicibyohow wanaagsani guud ahaan waxaa kula gudboon in aad eegtaan halka xaalada Somaliland marayso iyo halka xaalada dalka dariska ah ee Soomliya marayso guud ahaan caalamka meel kasta oo doorasho ka dhacdo hadal laga ma waayo laakiin tusaale wanaagsan waxaa ah in somaliland doorashadeedu noqotatay mid xisbiyadu aad isugu dhaw yihiin taas oon laga helin dalal badan oo kale, meelaha shacabyohow aad hiigsanayso waxaad ku gaadhi kartaa samar dadaal iyo is kaashi yaanay siyaasiyiin idin kala xadin, hogaanka u qabta siyaasiyiinta in ta ay idiin qaban lahaayeen.

Ugu danbayn iyo gabogabo doorashooyinkani ha noqdaan mid isu soo dhaweeya afkaarta dalka, ha noqdaan mid reebta xumaan iyo is beelaysi, ha noqdaan mid u horseeda jiilka soo kacaya marin wanaagsan, ha noqdaan mid keenta tashiga aayaha iyo talada mustaqbalka, Wa billaahi towfiiq.

Cumar Cabi Nuux, calaydh2@hotmail.com, Helsinki, Finland.

Top


Natiijadii Commissionka, Udub Iyo Jahawareerkii Kulmiye.

Waxay ahayd maalmo aad iyo aad u dareen badnaa marka loo eego taariikhda soo martay jamhuuriyadda Somaliland, dhamaan shacabka Reer Somaliland gudo iyo dibadba waxaa laga dhursugaayey natiijadii kamadanbaysta ahayd ee doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, saacadba saacad waxaa ka soo daba dhacaayey kelmado xanbaarsana guul ay hibaysanayeen taageerayaasha KULMIYE PARTY iyo UDUB, kuwaasi oo lagu arkaayey saacadba saacada ka danbaysa iyaga oo u dabaal degaaya guusha, balse ka kale ayaa isaguna lahaa u kaadi, aniga guushu i raacdaye,!!! akhristow maalmahu waa isriixeen, gabalkuna wuxuu u dhacay dhinaca galbeed ee cad ceed dhaca, waxaa laga warhelay in commissionkii dooroshooyinka ee qaranku dib u riixay ku dhawaaqidda Natiijada dad badanna gelisay tiif kuna noqotay madaxda axsaabta siyaasadeed sidii waran la gannay oo kale, habeenkii oo dhan sida aan wararka ku helaayey magaalada Hargeisa ee Xarunta Jamhuuriyadda Somaliland lagama seexanin, shakhsi weliba wuxuu u tirinaayey saacadda daqiiqad daqiiqad, waxaa dhinaca beri falaadhaha soo dhigay cadceed kollayba u noqonaysa labada xusbi mid uun gabal ay u dabaal dagaan.

Saacaddu waxay soo gaadhay 11:30 duhurnimo waxaana badiba loogu bushaareeyey taageerayaasha xusbiga Kulmiye in ay ku guulaysteen dooroshooyinkii madaxnimo, waxaana halkaasi ka bilaabantay farxad iyo damaashaad iyo dabaal degyo, qaar badan oo ka mid ahaa taageerayaasha xusbiga UDUB ayaa la arkaayey iyaga oo u hambalyeynaya xusbiga la filaayey inay guushu raacday, si kastaba arrintu ha ahaatee dhawaaqa soo gaadhay taageerayaasha Kulmiye ma ahayn mid si cad loo hubo kana soo baxday madasha gudida dooroshooyinka qaranka Somaliland, waxaa loo sheegay dhamaan dadweyne aad u tiro badna oo tubna kadinka Guriga gudida dooroshooyinka, in si cad loogu dhawaaqi doono natiijada saacadda afrikada beri markay tahay 4:00 galabnimo, dadkii goobtaasi iskugu yimid qaar ka mid ahi waxay ku laabteen guryahoodii si ay usoo qadeeyaan una soo yar nastaan, qaar kalana maba ay dareemaynin daal iyo tiiftii labada maalmood oo indhahooga laga dareemayey daal farabadan.

Runtiina kuwaasi waxay u badnaayeen taageerayaasha xusbiga Kulmiye, oo sugaayey Tiraabitaanka gudida dooroshooyinka in ay si dhaksho ah u maqlaan, waxaa la isla soo gaadhay ammintii iyo goortii shaaca laga qaadi lahaa saacaddu waxay tilmaamaysay 3:00 galabnimo xilliga magaalada hargeysa, waxaa xarunta gudida dooroshooyinka ku soo qulqulay suxufiyiin farabadan, oo dhegta u ridaayey in ay xaqiijiyaan cidda hadda loo hambalyeyn doono, iyo cidda guulaysatay, waxaa suxufiyiintu ay halkaasi ku sii wada diyaarisadeen qalabkoogii warfidiyiinimo, iyaga oo gadhka u saaray miiskii uu gudiga dooroshooyinku kaga dhawaaqi lahaa natiijada ku meel gaadhka ah sodomeeyo warlaliyayaal ah waxaa goobta rigli looga dhigay qalabka kamaradaha iyo werlalayayaasha oo gudbinaayey codka ku dhawaaqayey natiijada, oo dabacanna idaacadda Radio Hargeisa oo mudan amaan iyo fiiro gaar ahaaneed ay si toos ah ugu gudbinaysay shacabka, markay saacaddu ahayd abaaro 4:23 daqiiqo ayaa gudoomiyaha gudidu wuxuu shaaca ka qaaday in cod dhan 42.08 uu ku guulaystay xusbiga hadda talada haya ee UDUB.

Taasi waxay afka iyo gacanta isku saartay boqolaal qof oo halkaasi isugu yimid, inkasta oo boqolaalkalena ay markiiba bilaabeen damaashaad iyo dabaal deg, arrintu waxay noqotay mid jahawareer ku ridday dhamaanba xubnahii xusbiga Kulmiye, waxaanay isla markiiba abuurtay cadho aad iyo aad u weyn, weriyayaasha ayaa markiiba waxay usoo jaan qaadeen dhinaca guriga gudoomiyaha Xusbiga lagaga adkaaday dooroshooyinka oo runtii ay ka doorbidayeen hadalkiisa ninka tallada sii hayn doona 5 sanno ee soo socota Axmed Maxamed Maxamoud (Siilanyo), balse uma suuro gelin in ay codkiisa maqlaan, taasina waxay muujisay sida kalsoonida ka fog ee hogaanka xusbiga Kulmiye raalida uga ahayn natiijadaasi, akhristow ammintu waxay ahayd 7:00 fiidnimo waxaa magaalada isugu soo baxay dhalinyaro farabadan iyo dumar kuwaasi oo ka cadhaysna sida ay wax u dhaceen kuna tilmaamayey in codkoogii la musuqmaasuqay.

Balse iyaduna waxaa dhinac socotay damaashadka xusbiga UDUB, waxaa shir jaraa,id qabtay Madaxweyne Riyaale oo hadda ogaaday in uu woxogaa yar ku badbaaday dooroshooyinka, wuxuuna halkaasi ka sheegay hadallo uu ku soo jiidanaayey mucaaridka laga adkaaday, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "wax naxli ah oo na dhex yaalla ma jirto ragga aanu ka badinay waxaanu nahay walaalo, dalka waanu wada leenahay waxaanan ku soo dhawaynaya tallada inaanu wada maamulano" sidaasi waxaa yidhi Madaxweyne Riyaale cadhadu maaha mid keliya oo run ahaantii ku eg waddanka gudahiisa ee waxaa jira u qaadan waa aad uga yaabiyey qurbe joog badan oo Somalilander ah oo jeclaan lahaa inuu indhaha ku arko xusbiga Kulmiye oo guushu raacdo, taasi waxaa daliil marag ma doonto ah u noqonaysa iyada oo hadda la afduubay mareegahii (websitekii) ay gaarka u lahayd jamhuuriyadda Somaliland taasi oo lagu reebay farriimo cadho muujin kara www.somalilandgov.com.

Arrintu akhristow si kastaba ha ahaate waxay u ektahay mid gaamuursan oo aan si dhib yar ku dhamaan doonin, waxay u muuqata maalmaha soo socda in la arki doono muran badan oo dhex ooli doona labada xusbi, kalsoonida Kulmiye na wuxuu noqon doona mid ay ku adkaystaan in codadka dib loo tiriyo oo xitaa hadday ku qaadato ay la tegi doonan maxkamadda sare ee qaranka, taasi oo saan saanteedu u ekaan doonto dooroshooyinkii seddex sanno ka hor ka dhacay waddanka Maraykanka ee gobolka Florida uu noqday goob lagu murmo dacwadahii algore na ay tageen maxkamadda sare ee waddanka maraykanka, waa run eh su,aasha iman karta ayaa waxay tahay tallow cododka hargeysa maxay u ekaan doonan ibtiladii BUSH IYO ALGORE ee kal hore ku dhex martay gobolka florida? waxaynu sugnaaba waa maalmaha soo socda iyo sida xaalku noqdo.

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba), Karachi, Pakistan.

Top


Hanbalyo Iyo Bogaadin.

Anaga oo ka mid ah ardayda jamhuuriyada somaliland ee ku sugan dalka iran waxa aanu halkan hanbalyo iyo bogadin aan lasoo koobi karin marka hore u dirayna shacbiwaynaha jamhuuriyada somaliland ee 14/04/2003 udareeray dorashada muhiimka dalka u ahayd ee madaxtinimada waxaana aanu marlabad ku hanbalyaynayna shacbiga reer somaliland sida wadaniyada iyo dimuqradiyada leh ee codkooda ay udhiibteen iyaga oo mustaqbalkooda ciday udhibayan doranaya.

Waxaanu marka xiga hanbalyo iyo bogadin udirayna xisbiga talada dalka sida dimuqrradiga ah ugu guulaystayee kusoo baxay codka shacabkiisa udub. waxaana aanu si gaar u hanbalyaynaynaa Madaxwaynaha dalka Jamhuriyada somliland, Mudane Madaxwayne DAAHIR RIYAALE KAAHIN iyo Madaxweyne ku xigeenka Jamhuriyada Somaliland, Mudane Ahmad Yusuf Yaasin.

waxaana aanu illaah uga baryayna inuu ufududeeyo xilka wayn ee qaran ee dadkoodu udoortay, waaana kan magacyada ardayda jamhuriyada somaliland e dalka iran:

Axmed-Sayid Mahmoud, Mohamoud Shacayb, Idiris Khadar, Ahmad Ciise, Maxamed (Maxko). Dhaman ardaydas waxa ay hanbalyo udirayan dadka somaliland, iyaga oo illah uga baryaya bash bash iyo barwaaqo.

Top


Khilaaf Ka Taagan Dhismaha Xukuumadda Reer Falastiin.

Qudus (W. Wararka) waxa weli taagan khilaafaadkii u dhaxeeyey hogaamiyayaasha falastiiniyiinta ee ku waajahnaa dhismaha xukuumad ay falastiiniyiintu leeyihiin kaas oo si gaar ah ugu dhaxeeya Yaasir Carafaat iyo ra’iisal wasaaraha uu magacaabay Maxamuud Cabaas, taas oo keentay inay adkaato dhismaha xukuumad reer Falastiin ah.

Khilaafkan u dhaxeeya Carafaat iyo Abu Maasid waxay dib u dhigtay ku dhawaaqida xukuumad cusub iyada oo ay inyari ka hadhsantahay wakhtiga kama dambaysta ah ee uu la horgeynayo golaha baarlamaanka Falastiin, oo ku eg maalinta arbacada.

Waxa kale oo khilaafankani saameeyey guddiga fulinta ee Jabhadda xoreynta reer Falastiin Al Fatax iyada oo uu Abu Maasid ku hanjabay inuu iska casilaayo jagada loo magacaabay haddii aanu Yaasir Carafaat aqbalin xukuumadda uu soo dhiso.

Dhinaca kalena waxaa socda duulaanka iyo weerarada ay ciidamada reer Israa’iil ku hayaan deegaanada falastiiniyiinta, iyada oo maalintii shalayna ay galeen ciidamadaasi dhawr tuulo oo ay ka mid tahay tuuladda Calaar oo ku dhaw Dulkaram iyaga oo ku soo rogay bandoo, sidoo kale waxa rasaasta ciidamada Israa’iil ay dishay dhawr dhalinyaro ah ka dib markii ay isku dayeen inay dhagaxaan iyo quraarado kala hortagaan ciidamada hubaysan ee duulaanka soo qaaday, ururka Xamaas ee Islaamiga ah ayaa isaguna dhiniciisa ku hanjabay inuu weeraro aargoosi ah ku qaadi doono Israa’iil.

Top


Jenaraalka Uu Maraykanku U Magacaabay Maamulka Ciraaq Oo Lagu Wado Inuu Maanta Gaadho Baqdaad.

Baqdaad (W.wararka) Jeneraalka hawlgabka ah ee uu maraykanku u magacaabay Maamulka Ciraaq Cherry Grend oo si ku meel gaadh ah loogu magacaabay maamulka Ciraaq ayaa sheegay in dawladda maraykanku ay ku talo jirto sidii ay xukuumad dimuqraadi ah uga dhisi lahayd Ciraaq laakiin aanay xukumayn qaabka iyo nooca ay xukuumadaasi noqonayso.
Waxaanu sidaa jeneraalku ku sheegay waraysi ay la yeelatay jariidada Washington Post isaga oo intaa ku daray inaanu jirin wakhti go’an oo ay xukuumad reer Ciraaq ah ku wareejinayaan talada balse waxa uu sheegay inay qorshahooda tahay sidii ay xukuumad ay ciraaqiyiintu leeyihiin ugu wareejin lahaayeen talada balse waxa uu shardi uga dhigay in marka hore ay ciraaqiyiintu diyaar u ahaadaan arrintaasi.

Jeneraalka oo haatan ay xaruntiisu tahay dalka kuwait waxa lagu wadaa inuu maanta u wareego magaalada Baqdaad iyada oo ay la socdaan afar boqol oo kalkaaliyayaal ahi, waxaana la sheegay inuu haysto awood aad u balaadhan oo uu wax kaga qabto xaaladda Ciraaq, waxaanu sheegay inay qorshahiisa ugu horeyso sidii uu dib u dhis ugu samayn lahaa dalkaasi iyo in la dhiso xukuumad madax banaan. Balse jeneraalka waxa horyaala caqabado ay ka mid yihiin mucaarad badan oo ka soo horjeeda in dalka Ciraaq uu ka taliyo nin uu maraykanku soo dirtay. Qorshihiisa waxa kale oo uu jeneraalku ku darsaday in marka hore la diyaariyo doorashooyin gole wakiilo ah oo dejiya dastuur uu dalkaasi yeesho, ka dibna in la qabto afti ku waajahan dastuurka, markaana ay raacaan doorashada baarlamaan rasmi ah iyo xukuumad cusub, markaasoo uu sheegay in maamulka maraykanku ka bixi doono Ciraaq.

Top


Islaamiyiin Lagu Xukumay.

Sanca (W, Wararka) Waxa dalka Yemen ka bilaabatay maxkamad lagu soo oogay nin la sheegay inuu ka tirsan ururka Al-Qaacida oo lagu eedaynayo dilka saddex baadariyo ah oo lagu dilay dalka Yemen bishii December ee ina dhaaftay.

Eedaysanahan oo la yidhaa Caabid C/Risaaq Kaamil oo 30 jir ah waxa la sheegay inuu maxkamadda horteeda ka qirtay eedda loo haysto, iyo inuu xubin ka yahay ururka Al-Qaacida balse waxa uu ku sababeeyey dilka baadariyadda isaga oo sheegay inay dadka ka saarayeen diinta Islaamka uguna yeedhayeen diinta Kiristaanka.

Maxkamadda oo amaankeeda aad loo adkeeyey waxa la sheegay in xukunkiisu uu noqon karayo ninikaasi dil haddii ay ku cadaato, eedda loo haysto.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga.

Mingistu: Mucaaradku waxay sheegteen xoog , waxayna doonayeen inay xoog wax ku hantaan, sidaa darteed maadaama ay sheekadu sidaa tahay anagana dhinacayaga waajinka wadaninimo ee na saarrani waxa weeye inaanu iska difaacno cadawga na soo weeraraya. Tusaale nimanka mucaaradka ah marka lagu yidhaahdo “Awood milateri inaad wax ku doon wax aan ahayn ma haysaan oo ma keenaysaan”, may sheegi jirin xal kale oo dhaama awood milateri inay wax ku doonaan.

Ugu dambayntii waxa dhacday wax ay intooda badani moodeen ama bad-baado moodeen, taas oo ah in dagaal la isku waajaho. Masalan waxa jirta xikmad tidhaahda “Waxa jiray Jiir ku dhex-noolaa Markab, halkaas oo uu ku dhex-noolaan jiray iyadoo aanay cidina arag, waxaase la ogaaday markii uu Markabku degayey ee ay baddu liqaysay”. Sidaa awgeed taariikhda dhabta ah ee xiligaa dalkayaga ka soo baxday waxay ahayd sida Jiirkaa markii hore is qarinayey, balse markii dambe wejigiisii rumaad soo saaray. Sidaa awgeed qolada mucaaradka ahi wixii ay ku faani jireen ee ay odhan jireen “Ma jirto cid anaga naga geesisani”, ee sidaa dadkooda hortiisa ka odhan jiray waxa markii dambe la arkay iyaga oo gadaal-gadaal u sii guranaya, laakiin dabeecadaha dadku sida waqtiga ayey isbed-bedelaan, sidaa awgeed masalan sideetamaadkii halgamadii ay ciidamadu galeen ee aanu aragnay waxay ahayd wax ay shicibku ku faaneen oo ay yidhaahdeen waa ciidankayagii dagaalyahanka ahaa, balse ciidankii caynkaa ahaa ee goobaha dagaalka fadhiyey waxay saraakiishoodii inta ay isku duubnaantii lumiyeen ayey bilaabeen loollan iyo kala qaybsanaan qabyaaladeed.

Horaantii sideemaadkii waxa isku biiray oo ku heshiiyey inay meel keliya ka wada dagaal galaan ururkii sheegan jiray inuu yahay gobanimo-doonka ummadda Oromada, Wayaanaha (Tigreega) iyo Shacbiya (Ereteriyiinta), taasina waxay keentay inay nagu adkaadaan hawl-galadii dagaal ee aanu wadnay, balse inkasta oo aanay shicibka badidiisu taageerin, hadana inta ay soo galeen meelo gudaha dalka ka mid ah ayey qalalaase aan badnayn ka abuureen.

Waxa kale oo jirtay xiligii ay isbedelada siyaasadeed ee caalamku soo bax-baxayeen, gaar ahaan markii uu hantiwadaaggu soo baxayey waxa loogu yeedhay Reform (Dib-u habayn), laakiin anigu waxaan ugu yeedhayaa ama ku magacaabayaa inqilaab (Burburiye), masalan qolada hantiwadaaggu anaga waxay damceen inaanu ugu sacabino halkudhegyadii yaryaraa ee Gorbaa Gove (Nin shuuci ah), hase yeeshee qolada hantiwadaaggu halkudhegyadii ay wateen iyo waxyaalihii ay doonayeen inay qabtaan iska anaga oo xataa iyaga ayaan fahamsanayn ama fahmin, waayo marka laga yimaaddo weedho halkudhegyo ah oo ay wateen may jirin istaraatijiyad meel u taalay oo ay ku talo galeen iyo dariiqa ay marayaan nooca uu yahay iyo waxa ay wadaan waxa uu keeni karo ama dhalin karo wax faah-faahin ah way ka bixin kari waayeen.

Sidaa darteed anaga (Itoobiyaanka) iyo Soofiyeetku waxaanu ahayn laba kala duwan, waayo mawqif aanu isugu nimaadno ama isugu soo dhowaano mooyee Itoobiya inay Soofiyeet tahay, Soofiyeet-na Itoobiya yahay taasi ma ahayn wax jira, sidaa awgeedna kacaankayagu dookha Soofiyeet-ka iyo wax ay iyagu damacsanaayeen kuma uu bilaabmin ee waxa u ahaa mid iskii u bilaabmay, waxaanuse Soofiyeet-ka heshiis ka ahayn ama iskaga mid ahayn arimo yar yar oo koob kooban, laakiin caawimada ay na siin jireen waxay ahayd mid aad u weyn, mana aha wax taariikhiyan la ilaawi karo, sidoo kale Soofiyeet-ku abaalka ay Itoobiya u galeen ma aha wax la ilaawi karo, waxyaalaha caawimooyinka ah ee ay Soofiyeet-ku Itoobiya siin jireen waxay ahaayeen wax socday ilaa xukuumadii u dambaysay ee Soofiyeet-ka ee uu madaxweynaha ka ahaa Birishineef.

La soco cadadka dambe.

Top


Jilbo-Dhiig.

Sheekadan waxa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxana Tifaftiray Axmed Ducaale Q: 26aad.

Xayaad halkii uu Biixi kaga dhaqaaqay oo ahayd albaabka goobta uu ka shaqeeyo ayay naxdin daraadeed ka dhaqaaqi kari wayday, kadibna inta ay sidii wax suuxay noqotay ayay dhulka is daadisay, laakiin markiiba dadkii goobta joogay ayaa qayliyay, kadibna waxaa markiiba soo gaadhay baabuurta gurmadka degdegga ah ee caafimaadka, sidoo kale waxa iyaguna meesha yimi ciidamada Booliiska ee wax ka qabta dhibaatooyinka degdegga ah, waxaanay ciidamadii meesha yimi isku xeerreen oo ay xidheen jiid ay ku jirto goobta uu Biixi ka shaqeeyo, iyaga oo doonay inay hubsadaan waxa gabadha ku dhacay, taas oo markii hore u maleeyeen in la dilay, ka dibna ciidamadii booliska ahaa ee meesha yimi waxa la hadlay oday boolis ahaa oo meesha joogay ayaa u sheegay in gabadha meesha jiifta intii aanay dhicin inuu meesha ay ku dhacday la taagnaa nin xarunta shaqada ee ay hor-jiifto ka soo baxay, ninkaasina markii uu gabadha ka dhaqaaqay uu dib ugu noqday goobta shaqada.

Dabadeedna booliskii waxay hawl-gal ku ekeeyeen goobtii uu Biixi ka shaqaynayey, waxayna albaabada u xidheen xaruntii shaqadu ka socotay, isla markaan shaqaalihii goobta ayaa meel la isugu soo ururiyey, waxaana xog-waraysi lagala yeeshay waxa ku dhacay gabadha albaabkooda jiifta, laakiin inuu ninkii gabadha isla taagay Biixi ahaa waxa markiiba sheegay gabadhii Biixi ugu yeedhay ee ay Xayaad markii ay albaabka meesha timi la kulantay, ka dibna ku tidhi walaal wiilka Biixi la yidhaahdo iigu yeedh, sidoo kale waxa isna sheegay nin oday ah ee xerada waashmaan ka ah, kuwaas oo booliskii u sheegay inuu ninka gabadha isla taagay, ka dibna ka soo noqday ahaa Biixi. Intaa ka dibna Biixi ayaa looo yeedhay, balse intii aanay boolisku ka hadlin waxa ugu horayn loo taxaabay xabsiga, iyadoo lagu sii qaaday baabuurta booliska ee calaamadaha casaanka ah ee dhiilada tilmaama bixiya, isla markaana Xayaad waxa iyana loola cararay cusbataalka, balse Xayaad oo markii hore shook dartii miyirkeedu maqnaa intii jidka lagu sii jiray ee aan cusbataalka la gaadhsiin ayey miyirsatay, laakiin markiiba ma noqon qof caadi ah oo wax walba kala garanaysa, iyadoo uu ku sii jiray shooggii qabsaday, balse Xayaad way diiday inay tafaasiil ka bixiso waxa ku dhacay.

Biixi markii ay boolisku waraysteen waxa uu qirtay inuu gabadha isla taagay, balse wuxuu sheegay inaanu waxba u geysan, isla markaana uu ka dhaqaaqay iyada oo bed-qabta, sidaa darteedna aanu ogayn waxa ku dhacay. Sidoo kale Xayaad oo inkasta oo ay ladan tahay, hadana cusbataalka joogta, welina shooksan oo aamus mooyee hadal-ba laga waayey ayey boolisku u tageen si ay u soo waraystaan, laakiin way diiday inay haba yaraatee wax faallo ama hadal ah ka bixiso wixii ku dhacay. Sidaa awgeed dhawr maalmood markii saldhig boolis ku jiray ayey maalintii dambe boolisku maxkamad hor-geeyeen, dacwadna ku oogeen, waxaana lagu xukumay xabsi 20 sannadood ah, laakiin qareenkii Biixi u doodayey ma garwaaqsan taa , wuxuuna ka qaatay racfaan, waxayse dacwadii racfaanku jiitantay muddo sannad gaadhaysa, balse aakhirkii maxkamaddu way sii daysay, ka dib markii waxb dembi ah lagu cadayn waayey, ka dibna Biixi markii xabsiga laga sii daayey ayuu markiiba gurigiisii ku tibaday, isaga oo boholyaw iyo xiise badan u qaba gabadhiisa iyo caruutiisa.

Biixi markii xabsiga laga soo daayey waxa uu jeebka ku hayey waxoogaa lacag ah oo ay jeelka ugu keeneen saaxiibadiisii shaqada iyo dad kale oo qaraabo ah oo xabsiga ku soo booqday, sidaa darteed intii aanu guriga gaadhin ayuu u yara leexday dhinaca suuqa, wuxuuna marwadiisa iyo caruurtiisa uga sii iibiyey waxoogaa hadiyad ah oo isugu jira macmacaan iyo alaabooyin kale oo kuwa udugga.

Biixi markii uu guriga tegay waxa ugu horayn weji farxad badani ku dheehan tahay ku qaabishay marwadiisii Saynab, iyadoo uu Biixi telefoonka uga sii sheegay in la soo daayey oo uu soo socdo, laakiin Saynab waxay saygeeda u samaysay xaflad ay kaga reebayso diiftii xabsiga, waxayna xafladaa ku casuuntay asxaabtiisii iyo dad kale oo deriskooda ka mid ah, halkaas oo Biixi iskaga reebay diiftii farxad la’aanta ee xabsiga, muddo ka dibna shaqadiisii ayaa loo ogolaaday oo uu ku noqday, ka dib markii ay cadaatay inaanu wax dembi ah gelin ee ay maqaadiiri iskala kulantay, laakiin Biixi inkasta oo uu gabadhii Xayaad calool-xumo weyn tusay, hadana waxa uu weli gacanta ku hayaa fargalkii xusuusta ahaa ee Xayaad. Hase yeeshee gabadhii Xayaad maalintii uu Biixi kaga dhaqaaqay goobtii ay ku suuxday laga bilaabo waxay gashay duni madow, waxaana nafteeda quutay werwer iyo walbahaar, isla markaana waxay u ekaatay qof bilaa yididiilo ah oo aan himilada nolosha aduunka waxba ka sugayn, waxay dadku u kala garran-waayeen inay qof dhan tahay iyo inay qof dhiman tahay, waxay noqotay qof habeen iyo maalin la seexanaysa oo la soo toosaysa niyad jab iyo dareen bilaa farxad ah.

Xayaad hooyadeed waxay iyana joogtaa London oo guri bay ku wada nool yihiin, sidaa darteed Xayaad waxay geed iyo geed gaaban-ba u fuushay sidii ay mar uun u arki lahayd gabadheeda oo caafimaad qabta ama dareen farxadeed ka muuqdo, waxayna isu keentay faaliye iyo fooxiso wixii dunida joogay iyo sidoo kale dhakhtar iyo wadaad wixii dunida joogay, laakiin dabiib kasta oo Xayaad lagu dayaa ma gaadho halka bukta, waayo gabadha jiidh iyo lafi toona ma xanuunayso, balse waxa haya xanuun nafsaaniya oo aanay iyada mooyee cid kale dareemi Karin, isla markaana hooyadeed iyo ehelkeed dabiibka Xayaad ee ay ku daalleen kharash iyo dhibaato mooyee guul kale kama gaadhaan.

La soco.

Top


 

 

 

 

 

 

 

 

Top