Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 316 Date April 22, 2003

Gudoomiyaha UCID.

Xisbiga Kulmiye.

Golaha Deegaanka Hargeysa.

RAADYOW MA QALOOCSHE.

Sidee Baynu U badbaadin Karnaa Somaliland.

Enjineerkii Wershadda Nalka Waa Lagu Gefay.

Garta Dhaqanka, Maahmaahyada Garta.

Jilbo-Dhiig.

Dil-Dilaacii Ubaxa.

Hal Xaaraan ahi Ma Dhasho Nirig Xalaal ah, Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/Raxmaan, Hargeysa.


Gudoomiyaha UCID.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shalay jeediyey hadal ku saabsan natiijadii ka soo baxday doorashadii dalka ka dhacday, wuxuuna baaqyo kala duwan u jeediyey labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE, taas oo uu ugu horayn xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay aqbalaan natiijadii lagu dhawaaqay, iyadoo uu xisbiga KULMIYE jawaab diidmo ah ka bixiyey go’aankii ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinku ee natiijada doorashada, sidoo kalena Faysal waxan uu madaxweyne Rayaale ugu baaqay inuu dhiso dawlad wadaag ah, sidaana waxa uu ku sheegay shirjaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa.

Waxa kale oo uu Faysal u mahadnaqay taageerayaasha xisbigiisa iyo dadkii u codeeyey, isaga oo shirkaa jaraa’id ku sheegay inuu xisbigiisu yahay ka keliya ee codadka xalaasha ah helay, halka uu labada xisbi ee kale (UDUB & KULMIYE) ku tilmaamay inay wax musuqmaasaqeen, laakiin ugu horayn waxa u hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan manta halkan ka jeedinayaa baaq ku wajahan dadka, axsaabtii tartantay iyo dawladdaba, markaa xisbiga KULMIYE, musharaxooda Axmed Siilaanyo iyo hogaankiisa iyo dhamaan taageerayaashiisa waxaan k codsanayaa inay ogolaadaan go’aankii ka soo baxay guddiga doorashooyinka, taas oo ay guddiga doorashooyinku cadeeyeen inay labadaa xisbi (UDUB & KULMIYE) ku kala badiyeen tiro yar, waxa kale oo aanu dawladda iyo musharaxa guulaystay waxaanu ugu yeedhaynaa inuu muujiyo masuuliyad weyn iyo xilkasnimo oo uu ogaado inuu madaxweyne u yahay ciddii dooratay iyo cidii aan dooran-ba, isla markaana waxa loo baahan yahay inuu dhiso dawlad tayo leh oo adag oo aan loo eegin beel iyo gobol toona, noqotana dawlad ka duwan dawladihii ay Somaliland ku sifowday 12-kii sannadood ee u dambeeyey, kuwaas oo ahaa qaar aan dhamaystirayn himilada Somaliland”ayuu yidhi Faysal, laakiin isaga oo ka hadlaya codadkii uu xisbigiisu ka helay doorashadii dhowayd wuxuu yidhi “Natiijada aynu ka helay doorashadii waxaan qabaa inay ahayd tii xalaasha iyo xaqa ahayd ee keliya, isla markanaa hadii ay doorashadani ahaan lahayd mid xalaal ah oo ay labadaa xisbi iska dayn lahaayeen tabihii ay isticmaaleen ee xaaraanta ahaa inaga ayaa guulaysan lahayn.”

Faysal waxa kale oo uu sheegay in la helay 12 sanduuq oo la tirtiray, taas oo la keenay iyadoo aanay saxeexin hawl-wadeenadii ku shaqada lahaa, wuxuuna sheegay inay taa u arkaan shirqool ay cidi samaysay, mase cadayn cidda uu leeyahay inay sidaa samaysay, sidoo kalena waxa uu sheegay inuu ku qancay.

“Waa inaynu qaadano oo ictiraafno go’aanka komishanka” ayuu yidhi Faysal, isaga oo intaa ku daray “Hadii aanu nahay hore waxaanu u ballanqaadnay in hadii nalaga helo qalad iyo saxba aanu ogolaano, ta kale hadii ay cidi ashkashootanayso anaga ayey ahayd inaanu ashkatoono, waayo labada xisbi ee kale waxay nagu fureen bundado lacag ah, wax kasta oo musuqmaasuq ahna way sameeyeen, markaa laba is ogi inay is dhaliilaan ma aha.”

Faysal Cali Waraabe intii aanay natiijadu soo bixin ka hor waraysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay inay labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE isku tiro dhaw yihiin, laakiin uu KULMIYE waxoogaa horeeyo, sidaa awgeed mar arintaa su’aal laga waydiiyey waxa uu ku jawaabay “Way jirtay inaan idhi waxaad moodaa inay KULMIYE badiyeen, balse anigu meesha maan joogine waa warkii ay na galiyeen, iminkana waxa rasmiga ahi waa waxa ay guddiga doorashadu ku dhawaaqeen.”

Faysal waxa kale oo la waydiiyey dawladda qaran ee uu madaxweyne Rayaale ugu baaqay inuu dhiso inuu isagu ka qayb gelayo, hadii laga qayb geliyo, wuxuu yidhi “Hadii aan arko inuu madaxweyne Rayaale dawlad tamar leh dhisay oo uu na yidhaahdo ma soo gelaysaan waanu xidhiidhi, laakiin hadii uu wax ma tarayaashii shalay uu ka dhigto ma doonayno inaanu galno oo ay magacayaga naga xumeeyaan.”

Waxa kale oo la waydiiyey inuu wax xidhiidh ah la sameeyey hogaamiyayaasha labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB ee uu baaqa ujeedinayo si uu arimaha u ugu baaqayo ugala hadlo, wuxuuuna yidhi “Madaxweyne Rayaale waan u tegay, dhinaca kalena markii go’aanka la gaadhayey ee natiijada lagu dhawaaqayey waxa nala joogay rag badan oo Kulmiye ah waxaana ku idhi go’aanka waa la aqbalaa.”

Top


Xisbiga Kulmiye.

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga KULMIYE ayaa ku adkaystay inay heleen guusha doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday, isla markaana ay si dhakhso ah shaaca uga qaadi doonaan tirada runta ah ee uu xisbiga KULMIYE helay, sidaana waxa shalay shirjaraa’id oo uu qabtay ku sheegay afhayeen u hadlay xisbiga KULMIYE, Maxamed Iid Dhimbiil.

Laakiin Afhayeenku waxa kale oo uu taageerayaasha xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay nabadgelyada ilaaliyaan, isla markaana waxa uu ugu bishaareeyey inuu xisbigoodu ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday, balse laga musuqmaasuqay tiradii codadka ee uu helay.
Afhayeenku waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee filanayey inay manta ku nastaan codkoodii ay bixiyeen, waxaan leeyahay horta codkiinii ma khasaarin, mana lumin, isla markaana ma aha mid sidaa idinkagaga maqnaanaya ee waa mid aad dhakhso u arki doontaan halka uu codkiinu maray, hadii uu ilaahay idmona wixii beri (manta) ka dambeeyana way caddayn doontaa codkiinu hallkii uu maray, inagu xisbi ahaan hore ayeynu u ballanqaadnay in hadii doorashada si cad oo xalaal ah laynagaga qaado aynu nahay kuwa hambalyeynaya, laakiin manta si cad oo xalaal qolada guusha isa siisay ma aha ee waa mid ay ku heleen wax iswaydaarin iyo musuqmaasuq, taasna caddaynteedii gacanta ayaanu ku haynaa iminkaba, meesha iyo cidda ay khusaysana waanu gaadhsiin doonaa.”

Maxamed Iid waxa kale oo uu taageerayaasha xisbiga u soo jeediyey inaanay ku dhaqaaqin wax nabadgelyo daro keenaya. “Waa inay wixii fadqalalo keenaya iska ilaaliyaan ama wixii iska hor-imaad keenaya”ayuu yidhi, Afhayeenku, isaga oo intaa ku daray “Inaga ayey inoo fiican tahay inaynu nabadgelyo wax ku doonano, laakiin ma aha in la inagu cabsi geliyo KULMIYE nabadgelyada ayuu ka soo horjeedaa, khalkhal ayuu wadaa iyo waxyaalo kale oo lagu dacaayadaynayo ayaa la cusboonaysiiyey, balse Kulmiye ma aha ka nabadgelyada looga cabsi qabi lahaa iyo mid dalkan looga lexejeclo badan yahay, markaa waxaanu leenahay yaan nalagu cabsi gelin nabadgelyada ayey khalkhal gelinayaan ee wixii aanu gar leenahay ee noo cadaada kama tanaasulayno, nagana maqnaan mayso.”

Afhayeenka KULMIYE waxa kale oo uu sheegay in taageerayaashooda ay dawladdu ku hayso cagojuglayn iyo weliba xadhig, isaga oo sheegay inay dawladdu si gaar ah dabagal iyo fiiro ugu yeelatay cid kasta oo ay ku tuhunto inuu xisbiga KULMIYE taageersan yahay, ka dibna cadaadis la saarayo ama xadhig lagu handadayo, taasna wuu ka digay, isaga oo yidhi “Hadii ay arimaha noocaas ahi sii socdaana waa wax nabadgelyada khalkhal gelin kara, markaa waxaanu leenahay anagu dhinacayaga nabadgelyada khalkhal kama gelinayno, waxaanuse leenahay talaabooyinka la wado ayaa nabadgelyada khalkhal gelinaya, anaga oo leh inta ay xilka sii joogaan ee loogu imanayo waa inay iska ilaaliyaan dhaqanka noocaas ah hadii kale iyaga ayey dambarsan doontaa.”

Afhayeenka KULMIYE, Maxamed Iid Dhimbiil waxa uu sheegay inaanay aqoonsanayn natiijada ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen, isaga oo yidhi “Waxa lagu dhawaaqay xagayaga waxba kama aha, mana jirto wax kalsooni ah oo aanu ku qabnaa, laakiin hadii uu dariiq na qaadsiiyo waanu qaadanaynaa, laakiin waxayaga waanu cadaysanaynaa.”

Afhayeenka KULMIYE mar la waydiiyey talaabooyinka ay ilaa hadda ka qaadeen arintooda ah inay caddaysanayaan sida loogaga shubtay, wuxuuna ku jawaabay “Talaabada u horaysa ee aanu qaadnay waxay ahayd horta inaanu dabagalo waxa la sheegay iyo inaanu helo halka ay wax ka qaldameen, wixiina way noo muuqdeen, ta labaad ee noo raacaysaa waxa weeye ciddii ay khusaysay inaanu hordhigno oo aanu nidhaahno wixii idinka soo baxay waa sidane ma idinkaa waallan, mise Cadan baa laga heesayaa”. Laakiin waxa kale oo la waydiiyey afhayeenka KULMIYE goorta ay soo bandhigayaan cadayntooda ku saabsan in la musuqmaasuqay, wuxuuna yidhi, “runtii qaladkaa nalaga galay cadayntiisii iminkaba gacanta ayaanu ku haynaa, berito (Maanta) ayaanuna qaadaynaa talaabada koowaad ee aanu ku muujinayno oo aanu dadka soo hordhigno, ka dibna aanu u gud-bino hayadda ay khusayso, waxaana noo cad inaanu anagu nahay cidda ku guulaysatay doorashadii dhacday, isla markaana weedha komishanka ka soo baxday wax qalad ah, waraaqdii ay komishanku ku dhawaaqeena may ahayn mid qaab porotokool ah leh, waayo saxeex iyo shaambad midna may lahayn, waxayna u baxday qaab aan sharciyad ahayn.”

Laga soo bilaabo markii uu xisbiga KULMIYE gaashaanka ku dhuftay go’aankii ku dhawaaqidda natiijada doorashada waxa jiray warar ay dadka qaar faafinayaan oo sheegaya inuu xisbiga KULMIYE ku dhawaaqayo maadaama uu rumaysan yahay inuu ku guulaystay doorashadii dhacday, balse laga musuqmaasuqay wuxuu afhayeenku ku jawaabay “Ma jirto dawlad aanu sharci daro ugu dhawaaqaynaa, laakiin waxaanu doonaynaa dawlad sharci ah inaanu samayno, wayna noo diyaarsan tahay dawladayadii aanu ku dhawaaqi lahayn.”

Ka hor intii aan natiijada lagu dhawaaqin waxa jiray warar la isla dhexmarayo oo sheegayey inuu xisbiga UDUB diiday inuu saxeexo natiijada kama dambaysta ah ee tirooyinkii codadka, laakiin afhayeenka KULMIYE mar la waydiiyey inay taasi jirto wuxuu ku jawaabay “Masalan inta ay Hargeysa degmo xukunto markii la isu geeyey tirada codadka, xisbiga UDUB isaga oo arkaya in lagaga guulaystay waxa uu si cad u diiday inuu saxeexo, wayna dudeen oo waxay sameeyeen qaylo dhaan, taasina waa ta keentay inay guurtidu timaaddo oo ay arinta soo fara geliso oo ilaa madaxweyne-kuxigeenka ayaa goobta yimi, maxaase keenay guurtida waxa keenay markii ay UDUB arkeen in laga guulaystay ayey u dacwoodeen, halkaa waxa ka cad inuu xisbiga KULMIYE guulaystay, balse qaabka ay wax u dhaceen anagu ma odhan karno komishanka waa la iibsaday, laakiin waxaanu leenahay si qaldan ayey wax uga dhaceen, taasna waanu cadaynaynaa, qolada UDUB-na xataa waxay baryayeen in ku dhawaaqidda dib loo dhigo, taas oo aanu qoraaladeedii gacanta ku hayno, komishankuna iyaga oo aan noo yeedhin ayey iskaga dhawaaqeen”.

Dhinaca kalena xubno ka mid ah xisbiga KULMIYE ayaa iyaga oo dareenkooda ka muujinaya sida ay u arkaan natiijada lagu dhawaaqay ayaa sheegay inaanay ku qanacsanayn natiijada lagu dhawaaqay, iyaga oo dalbadday in loo cadeeyo halka codkoodii halka uu ku dambeeyey, meeshana madawga laga saaro, iyadoo ay qaarkoodna tibaaxeen in qaar ka tirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE loo geystay hadidaad, waxaana xubnahaa ka mid ah C/Foosi Maxamed Ciise iyo Cumar Cabdi Sh. Yuusuf.

Top


Golaha Deegaanka Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf) Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa ayaa maalintii shalay ugu baaqay shacbiga inay ilaaliyaan nabadgelyadda, iyo deganaashaha wakhtigan lagu jiro xasaasiyadda xiliga doorashooyinka waxaanay sidaa ka sheegeen shir jaraa’id oo maalintii shalay ku qabteen xarunta dawladda hoose ee Hargeysa.

Arrintan oo ka dambaysay shir ay isugu yimaadeen xubnaha golaha deegaanku ay ka yeesheen xaaladda ka dhalatay natiijooyinka doorashada madaxtinimada dalka, oo dadka ku abuurtay dareen kala duwan, waxa ay sheegeen inay maanta marti qaad u fidiyeen guddiga fulintaa ee saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo UDUB, martiqaadkaas oo ay sheegeen inay saddexda xisbi ka aqbaleen inay si wada jir ah uga soo qayb galaan, shacbiga waxay u soo jeediyeen inay is dejiyaan oo caadifada iska ilaaliyaan, si aanay amaan darro u iman.

Ugu horeyn waxa shirkaa jaraa’id ka hadlay duqa caasimadda, ahna gudoomiyaha golaha deegaanka, Xuseen Maxamuud Jiciir, waxaanu hadalkiisii ku bilaabay “Shir aanu maalmahan ka yeelanay sidii aanu u dejin lahayn dadweyneheena si aan nabadgelyo darro u dhicin, aananu u wacyi-gelino dadweynaha na soo doortay, waxa aanu go’aansanay inaanu dadweynaha ku baraarujino, wixii xasaasi ah ee naabdgelyada wax u dhimaya waayo umad ahaan waxaynu raasamaal haysanaa waa nabadgelyo, maantana indhaha caalamku fiiro gaar ah ayey inoo leeyihiin, mana aha inaynu indhaha caalamka iska jeedino,” ayuu yidhi Duqu.

Ka dib waxa halkaa ka hadlay saddex xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka waxaana hadalka u bilaabay professor Cabdi Cali Jaamac wuxuuna sheegay inay warbaahinta isugu yeedheen si ay shacbiga reer Hargeysa u gaadhsiiyaan wixii ay farayaan marxaladan xasaasiga ah, iyo wixii wax u dhimaya nabadgelyada “Waxaanu ka shirnay sidii looga gudbi lahaa marxaladda xasaasiga ah ee ina soo waajahday, waxaa kale oo aanu isla soo qaadnay, in dadku wixii ay tabanayaan, dareenkooda ku cabiri karaan isu soo bax, balse waxaa noo muuqatay dhibaatada ay taasi keeni karto, iyada sida aanay ciidankeenu ugu carbisnayn ama ugu habaysnayn mudaharaadyada, iyo sida aanu dadkeenu aanu u fahamsanayn waxa uu mudaharaadku yahay, markaa anaga oo ka duulayna arrimahaas waxa dhinac kasta looga baahanyahay inuu xamaasadaa dhimo nabadgelyadana la wada ilaaliyo, taas oo sal u ah dimuqraadiyadda iyo nidaamka Axsaabta badan, shacbiga reer Hargeysa waxaanu ka codsanaynaa inay nabadgelyada ilaalinteeda meel uga soo wada jeestaan,” ayuu yidhi Cabdi Cali.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Aw-Ciise Kaahin oo ka mid ah golaha deegaanka isaga oo shacbiga uga mahad naqay sidii ay nabadgelyada u ilaashadeen markii lagu jiray codbixintii doorashada, balse waxa uu intaa ku daray, “Waxaa jirta woxoogay khilaaf ah oo xagga natiijadda laga sheegayo, waxaanu dadweynaha leenahay sidii ay codbixintu u soo dhamaatay, yaanay jirin wax nabadgelyo darro awgeed inooga xumaada, wixii khilaaf ah way dhamaan doonaan, wixii xaq ah bayna ku dambayn doontaa, dhibaato waynu soo aragnay, iyo nabadgelyo xumo, Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Cadho walaal waa la bariiyaa” ee aynu dib u dhigano wixii cabasho ah,” ayuu yidhi Aw Ciise Kaahin.

Ka dib waxa xubnaha golaha deegaanka la weydiiyey dhawr su’aalood oo ay ka mid yihiin inay joojiyeen mudaharaadyada ay dadku dhigayaan, waxay ku jawaabeen “Wax mudaharaad ah oo aanu joojinay anagu ma jirto, laakiin waxa golaha deegaanku is tusaaleeyey in haddii mudaharaad dhaco uu isku dhac ka iman karo, sidaana aanu uga cabsi qabno, sidaa darteed ayaanu jecelnahay in dib loo dhigto si aan nabadgelyadu inooga xumaan” mar la weydiiyey inay ku talo jiraan sidii loo heli lahaa qalabkii ay ciidamadu kaga hortegi lahaayeen mudaharaadyada waxay ku jawaabeen “Haa waxa aanu xalay shir wasiirka arrimaha gudaha arrintaa iskula soo qaadnay, waananu isla garanay, sidii lagu heli qalabkaasi, booliskana loogu dayactiri wixii ka dhiman.”

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE.

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan Mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq dhuubka. Akhyaartayada indhaha buur-buuranow, waxaynu soo gaadhnay wakhtigaanu idin hulluuqsiin jiray wararkii dunida, waxaana maanta idinla dayan doona weriye Mr. Like Xuuko:

Warkii oo kambadhuudha.

Jawaannada Guddida Doorashooyinka, ayaa kaga damsiiyay natiijadii foodridka, waxaanay dhuxusha ka cadeeyeen codadkii xisbiyadu kala calfadeen iyo sidii loo kala hunguri waynaa.. Xisbiga Uduble ayaa noqday kan ugu cirweyn oo ay yidhaahdeen, wuxuu helay foodhikaw laba dhutis booynti dhicid barbaro bersan.

Xisbiga Kulmiye oo ay ka labaad ku sheegeen, wuxuu helay foodhikaw booynti ka jaran laba dhutis dhaash dhaash siiroo/barbaro bersan.
Xisbiga Ucid oo ahaa ka ugu cir yar ee ku imaanqaba, waxay yidhaahdeen wuxuu helay fiiftiin boonti samirtiin, isbaaro qaadid beersan. Sidaa awgeed, waxay yidhaahdeen markaanu eegnay caashaqii sanduuqyada ku jiray markaanu eegnay saxeexyadii daba socday markaanu ee ubbadii elegshanka, markaanu tiro ku daandaamiyay cadadka, markaanu tirada isku dhufanay, markaanu kala dhufanay, markaanu isugaynay haddana kala gaynay, markaanu isu qaybinay, haddana isku qooshnay, markaanu isku qiyaasnay, haddana yara qanjiidhinay, markaanu gujo iyo garsoorba u dhammaynay, waxaanu go’aan ku gaadhnay xisbiga uduble inuu noqdo bahalka ku guulaystay labadii bahal ee laga tartamayay ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, waxaanay ku soo gebo-gebeeyeen; “Annaga gadna waa naga caynkaas, caqlina waa naga sidaas, cabashana waa maxkamadda horteeda.”

Arrintani, waxay yalaalugo ku dhalisay oo aqli waayay xisbiga kulmiye oo mar horeba iskii guusha u haystay, waxaanay kaga farxisay xisbiga uduble oo naxdin la dubaaxinayay markii ay arkeen taageerayaashii kulmiye oo natiijada horteedba wishiiri dhammaystay. Sidoo kale, mar horeba isagu waxa ka xarago qaatay xisbiga laysku raacsan yahay ee Ucid, kaas oo Faysal yare oo Ucid yare u hadlay sheegay inuu ku iimaan qabo qadida, qaradkiisuna qof jeclaysi dhaafsiisan yahay. Labada xisbi ee kulmiye iyo udub oo si qayral xad ah codkoodu isugu dhadhawaaday.

Waxa mala wareer ku dhacay taageerayaashii labada xisbi, kuwaas oo intii aan natiijada la sheegin qolo waliba suuqyada dhexdooda sideed boqol ku hogaaminaysay. Hogaanshaha xisbiga kulmiye oo u haystay in loo xoog sheegtay, ayaa sheegay in isagu cod badnaa laakiin si aan qumanayn loo cawaray oo guddidu gadaal ka udubawday. Guddida kimishanka, ayaa dhaar kaga xagaf siiyay in aanay cawaraad caalamiya samayn, sidoo kale gudoonshayaasha, labada gole ee isu kordhiyayaasha qaranka ayaa ka cabaaday faradheeraan lagu eedeeyay, taas oo kulmiye kaga cawday in guddida ay u garab garayeeyeen oo udub la meernimo sameeyeen. Hadal ay amuurtaas iskaga nadiifinayaan ayuu ku yidhi kordhiye u hadlay golaha isu kordhiyayaasha ee kordhinta doonayay ayaa yidhi, “Xaasha in aanaan Daahir caashaq iyo Siilaanyo diid midna u socon, laakiin waxaanu ilaalinayay nabadda aanu waashmaanka ka nahay, markaa ilmaadeeroyaal cimri waxaas sameeya ma joognee hana colaadsanina yaanaan idin cuqubayne,” waxaanay kulmiye kula taliyeen cadhada in ay caqli ku daraan taageerayaasha xisbiga kulmiye ayaa cadho daraadeed dibna goostay, kuwaas oo go’aankaas gudiga daaco-qudhunkii ay ka qaadeen la qamuuryoonaya, kuwaas oo ilaa imika ciil la dubaysan, qaar kale ayaa sheegistii natiijadani markii ay soo baxday iska duubay oo yidhi “Illaahaw riyo nooga dhig”.

Xisbiga Kulmiye oo ah ka ugu taageerada badan, ayaa mar horeba guusha labistay kadib markii ay soo baxday tibaax ahayd in xisbiga kulmiye ku soo baxay guud ahaan cadadkii gobollada oo uu udub ka horeeyo ilaa saddex kun oo cod. Tibaaxdaas oo run u dhawayd, ayaa lagu soo waramay in ay keentay in xisbiga udub aqbali waayo, waxaana war sheekadu sheegaysaa in markaas kadib reer udub ku doodeen in sanaaduuq cod badani ugu jiraa laga kansal gareeyay dib loogu tiriyo. Amuurtaas oo muran doora dhalisay la sheegay in guddida lafteedu ku kala qaybsantay, kuwaas oo qaar ka mid ah lafagtii markii udub oo odaygiisii wataa soo digirin xidhay, inkasta oo aan xaqiiq loo ogayn, haddana xantu waxay sheegaysaa in xisaabta udub ku soo baxday ka timid sanduuq la kansal gareeyay, dadka qaar ayaa iyana in kulmiye iska jibooday ee markasta laga cod badnaa.

Caynad kasta ha ahaatee, caynka doorashadu u dhacday oo ahayd mid dheg badan oo nabadgelyo ah, balse dhinaca guddida kamishanka dharaarihii dambe waxa naanaabiyay isu dhawaanshaha tirada labada xisbi iyo culaysyo iyo cabashooyin ay la dul taagnaayeen labada qolaba. Guddida doorashooyinka qaranka oo ka kooban lix jawaan iyo gadbad, ayaa la sheegayaa in ay itaalkooda aad u dedaaleen, walow ayaamihii dambe uu ka soo if baxay jiljilayc iyo debecsanaan aan loo baahnayn, taas oo markii hawlwadeenada xisbiyadu arkeen hebednimada guddida ka muuqata ay gacandhaaf ku sameeyeen xeerarkii iyo sharciyadii sanaaduuqda u tiilay guddida oo laga yaabo in aanay wax xumee is lahayn, doonayayna in ay soo saaraan wax horeba loo waayay oo ah natiijada labada dhanba ku farxaan muruga ugu weyn oo ka dhashay tirada ku dhawaatay, taas oo aan isleeyahay kol haddii sidaas tiradu isugu dhawdahay guddida waxa u ekayd in si adag ay u dhaqmaan oo xeerkooda ku muquuniyaan oo aanay ogolaanin sanduuq ama wixii sharciyadooda aan waafaqsanayn ee madmadow ku jiro, si go’aankooda u sii difaacdaan oo natiijada loogu saqajaamin.

Inkasta oo aanay helin xilli ay talo badsadaan doorashaduna curad ku ahayd, waxa iyana filan waaga keentay curduduub guddidu natiijada ku samaysay, taas oo haddii codbixintii gobollada xilli hore ay sii baahin lahaayeen tuhunka yarayn lahayd.

Si kastaba ha ahaatee, natiijadan oo xalaalaynteedu ku xidhan tahay maxkamdda dastuuriga ah oo hadeerba la hor dhigay, taas oo ah jaaniska kaliya ee u hadhay cabashada xisbiyada, inkasta oo go’aanka maxkamaddu gaadhi doontaa aanu noqon doonin mid laba dhinac wada qanciya, haddana talo ahaan waxaan kula talin lahaa qolada cabashadu ku hadho waa in ay ogaadaan in cadaaladda Illaahay aanu dhulkaba ku aaminin ee Illaahay yahay ka xaqa u kala qaada.

Sidaa awgeed, xasilloonida lagu sugo xaq-soorka Eebbe. Xisbiga Udub oo ah bahalkii horeba meesha u haystay imikadana u soo fiiqday, kaas oo haddii dalka uu sii hogaamiyo aan laga quusqaadan karinin, haddana waxa isweydiintu tahay maadaama xaaladda dalku gashay doorashooyin iyo amuuro cusub, dadka dalka ku noolna loo qaybshay laba xisbi oo is le’eg, isa seegga siyaasadduna yahay mid siyaado ah, xisbiga udubna yahay mid madmadow ku soo baxay.

Xisbiga Kulmiyena yahay id quwadiisa leh, si xunna xoolo beelay ololihii iimaan la’aanta ahaa ee la soo dhaafay, dadka dalka ku noolina aanay xariif ku ahayn sida dawladnimo iyo xisbinimo loogu dhaqmo iyo sida laysu waafajiyo, danta iyo dookha, iyadoo ay jiraan walaacyadaas iyo walbahaaro kale, waxaa isweydiintu tahay sidee dawladina dawlad u ahaan lahaa, deganaanshana daf u noqon lahaa, distoorna distoor u ahaan lahaa, duunayana dayac beel u yeelan lahayd, dadna wada walaalo u noqon lahaa, xisbina xalaal u noqon lahaa.

Dhammaan ragga arrimahaas oo dhan looga fadhiyo in ay sameeyaan oo aan isleeyahay ma aha muunada la soo samayn doono ee alaankaas jooga.

Haddaba, hadaan in talo ah xisbiyada ku sadaqaysto, waxaan odhan lahaa, yaanu xayraanku idinka sayid calayn, haddii laydin khiyaameeyayna yaan laydin khalkhalin oo khashiinimo idinku sugmin.

Haddaad sida loo loolamo barateena sida loo hambalyeeyana barta, haddii laydin cawarayna hawlbaa laydinka furtay, arrintuna taad u malaynaysaan iyo ta udub meehaahday toona maaha ee tii Alle ka dhigo ayay noqon, meeqaankiinana waxa lagu kala baran doonaa marxaladaas taagan sidaad u wajahdaan, waxaad maanta samaysaana waa taariikhda berito.

Xisbiga xukuumadda fuushanna ee udub, waxaan odhan lahaa; la ogaa sidaad xariifiinta ugu tihiin doorasho qaadashada, waxaase laydiinka fadhiyaa in aad xariifiin ku noqotaan sidii aad dalka u xafidi lahaydeen iyio xeeladii lagu horumarin lahaa, waxaana idinka dardaarayaa inaydaan food xummada farsamo xumo ku darsan. Madaxweynaha horana u hayay imikana la doortayna waxaan odhan lahaa waxaa lagaaga fadhiyaa in dawlad kala kaankaan ah sida kiniinka kaabsoosha, hana iloobin in aad bedesho naadigii garoonka kugula jiray ee aan goolna dhallin jirin, hadaad kaambaynkii ku soo daashayna ilama aha in aad joogto halkii aad ku nasan lahayd korka ka hafoo, ninkii ku caawiyayna haaheey.

Dhegaystayaashayada foodtooyayow, waa kan gabay aan abaalkiina idinkaga waraabiyo:

Gabay

Kursow nabadda
Nabad geli
Nagnagtaada mooyee
Naylaha hannaga didin,
Haddii uu kadeed dhaco,
Kursibaan u haystaa,
Kala jabe kab leeyahay.

Saddex lalama beretamo,
Bolotikal ifriiqiya
Xisbi dawlad baal yaal
Is ballaadhshay kaligii
Beesadiyo awoodii
Kiishadaha ka buuxsaday
Sharcigana badhxoo dhamay
Kol hadduu butaystoo,
Wasiir burucyo weynuu
Bawdo kuusan leeyahay
Dadka baahidiisana
Masayrkooda baayaco
Baytimaal ku iibsada
Kaa lalama beretamo.
War balaayo sheegoo
Baxay lalama beretamo
Biyo shalaw ka dhacayana
Isna lalama beretamo
Saddex waa la daystaa
Laba waa dabiyo biyo
Dawladna waa la daystaa.

Kol haddii la loolamo
Lugta elegshan lala galo
Laacibiin ninkaan wadan
Wayla labanlagdootaa.

Badh babaday
Badh suuriya u galay
Boqol ka siigeeyay
Boqolaal kaloo yaacayoo
Baafis lagu raadshey
Iyo boqol kaloo cararayoo
Buuro ku asqoobay
Berigii dhowayd Maalintay
Doorashadu baahday
Kulmiyii is baaweynayee
Bahalka moodaysay
Bacaskii ciraaq laga ridee
Qoloba baal aaday
Ee kala burburay
Kama duwanna
Bararaftoodiiye
Bixi baa la waayiyo
Rag kale burujyadoodiiye.

Top


Sidee Baynu U badbaadin Karnaa Somaliland.

Ku: Golaha Salaadiinta.

Ku: Xisbiyadda UDUB, KULMIYE iyo UCID.

Ku: Guddiga Culimadda.

Ku: Taliyayaasha Ciidamada.

Shacbigeenu kama gar qaadi yaqaano khilaafaadka xisbiyadda iyo kooxaha siyaasadeed maxaa yeelay labaduba waa arrimo ku cusub dhaqankeena oo aynaan bulsho ahaan ku soo dhaqmi jirin, balse shacbigeenu wuxuu si hawl yar ugu gar naqi karaa khilaafaadka beelaha dhexmara.

Somaliland-na sida Soomaaliya mayna lahayn kooxo iyo xisbiyo is khilaafsan oo abaabulan, maanta ka hor, waana sababtaas mida aynu khilaafaadkeena beelaysan u xalin jirin. Soomaaliyana caalamka oo dhami u heshiisiin kari waayey. Taariikhdeena marka dib loo jaleecana laba goor ayey bulshadeenu ku hafatay khilaafaadka xisbiyadda oo aynu cawaaqib xumo qarni dhan dib inoo riday kala kulanay mar waxay ahayd 1960-kii oo khilaafaadkii saddexdii xisbi ee SNL, USP iyo NUF u dhaxeeyey ayuu ahaa wixii Xamar ina geeyey, ee calankeenii lumiyey.

Marna waxay 1969-kii oo khilaafaadkii ka dhashay ku shubashadii doorashooyinkii ayaa la isku khilaafay. Aakhirkiina keentay inuu afgembi ka dhaco oo burbur dhaco. Markaas bulshadeenu bisayl ahaan maanta maanay wada qaadi karayn, dib ugu noqoshada khilaafaadka xisbiyadda, iyo ka bogsashada aan dhamayska tirnayn ee nabaradda colaadihii sokeeye, ee umula dooxa ahaa.

Sababahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa dad badan oo aan ka mid ahayn ku kalifay inaanay ururadii siyaasadda iyo xisbiyaddan midkoodna xubin ka noqonin. Halkaana waxaan jecelahay inaan ku halqabsado oo aan fikradayda xal doonka ah gaadhsiiyo musharaxiintii ku tartamaysay jagada madaxweynenimada ee Somaliland ee xisbiyadda saddexda ah ka socotay.

Walaalayaal culimadda cilmiga bulshadu waxay yidhaahdaan caddaaladda iyo nabadgelyadu waa sida geedka iyo xididadiisa, mana kala maarmayaan. Nabadgelyada oo ah geedka bulshadeenu hadhsanayso ma jiri karayso cadaalad la’aan. Tix soomaaliyeed ayaa tidhaahda “rag cadaalad waayaa, sidii cawsha kala yaac” murti kale ayaa xusaysa in dunida meesha cadaalad lagu sheego ay dadku ugu qulqulaan sida ay biyuhu ugu qulqulaan meesha godan. Meesha cadaalad darro lagu arkana ay dadku uga qulqulaan sida ay biyuhu uga soo shalwadaan buuraha figtooda. Haddaba sida ka muuqata doorashooyinkanan ay axsaabtu ku tartamayaan, kuwii dawladihii hoose, iyo kuwan madaxtooyaddaba waxaynu dhamaanteen isla qirsanahay inay cadaalad darro badani ay dhacday, tan ugu dambaysay oo ah tan maanta abuurtay in xisbiyadda KULMIYE iyo UDUB uu mid-ba dhiniciisa, inuu isagu helay codadka ugu badan ee shacbigu bixiyeen.

Sababta taas abuurtayna waxa ugu weyn guddiga doorashooyinka oo natiijaddii raajiyey, dhaq-dhaqaaqa awood sheegasho ee UDUB oo aad u badnaa intii lagu jiray tirinta codadka, KULMIYE oo aan iyaduna dhawaaqii guddida horteed aan marna soo saarin tirooyinka codadka ay heleen, ee iska aamusnaa oo aad moodaysay inay kalsooni badan ku qabeen, inay iyagu heleen, oo ay guddiga uun sugayaan, iyo guddiga oo aa n iyaguna ku dhawaaqista natiijadda ugu dambaysa horteed aan marna bixinin tibaaxo sheegaya sida loo kala horeeyo. Waxyaalahaas oo dhami waxay noqon lahaayeen waxyaalo cadaalada u hiiliya, natiijadda ugu dambaysa in lagu qancana keeni lahayd.

Haddaba maadaama intaasi midna dhicin imikana la sheegay in U DUB ay ku horeyso tiro codad ah oo aad u yar, waxyaalaha shacbiga shakiga ku abuurayna ay ka mid tahay dhaq-dhaqaaqa shir-gudoonada golayaasha oo u muuqday inay guddiga culays ku kordhiyeen, waxyaalahaas oo dhan ayaa mad madaw geliyey natiijadan UDUB ka farxisay.

Haddaba si aynu u badbaadino xorriyadeena oo aanay u lumin sidii tii lixdankii waxaan kula talinayaa madaxda xisbiyadda, golaha salaadiinta, taliyayaasha ciidamada, iyo xubnaha baarlamaanka, sida hoos ku qoran.

1.In la abuuro guddi ay hogaaminayaan Salaadiinta Somaliland, xubnana ay ka yihiin taliyayaasha ciidamada milatariga, asluubta iyo booliska, guddiga culimada, iyo todobada xubnood ee guddiga cadaaladda qaranka la yidhaahdo.

2. In intaas oo guddi qudha isku ah ay yeeshaan shir ay kaga arrinsanayaan sidii loo sugi lahaa loona xaqiijin lahaa in doorashooyinkani ay caddaalad u dhaceen.

3. Marka ay xaqiijiyaan oo ay gaadhaan xaqiiqada jirta ee dhabta ah ee doorashooyinkan haddii ay u dhacday si cadli ahna sidii loogu dhawaaqay ha loo daayo, haddii ay cadaalad darro jirtana, laga arrinsado wixii laga yeeli lahaa.

Madaxweyne Rayaalena markay halkaa soo gaadho wuxuu xaq u yeelanayaa in loo aqoonsado nin cadaaladda u hiiliyey, oo jecel wanaaga, nabadgelyadda iyo horumarka, xilka ugu weyna isaga ayuu saaranyahay, inuu noqdo halyey ka duwan madaxda kursi ku dirirka ah, waxaanan jecelahay inuu si qoto dheer u fikiro, oo uu ogolaado xal kasta oo dhex-dhexaad ah. Xilka labaadna wuxuu saaranyahay taliyayaasha ciidamada Somaliland, waa inay isku xil qaamaan ka ilaalinta qarankeena burbur fawdo ah oo ku yimaadda. Taasna waxay ku mutaysan doonaan halyeynimo u gasha diiwaanadda taariikhda ee Somaliland, waxaanan ku boorinayaa in loo wada guntado is-xilqaan weyna la isa saaro, mushkiladdan siyaasadeed-na aynu si hufan u xalino.

Cali Dool Axmed Qoryoolay, Hargeysa.

Top


Enjineerkii Wershadda Nalka Waa Lagu Gefay.

Waxa dadweynaha caasimadda hargeysa iyo inta jecel horumarka dalku idhahoodu ka marag kacayaan waxqabadka dhinaca korontada ee caasimadda somaliland, hormoodkana uu ka ahaa Enjineer Cabdi Cali Barkhad iyo shaqaalaha kale ee naftooda huranimada ku shaqeeyey iyo intii la hawlgashayba, waxayna mudan yihiin in la siiyo, bilad abaal marin ah laakiin ma yahay in wasiir lacagta nalka iska bixin waayey sidaana nalkii lagaga jaray in loo maqlo, halkaas waxaanu ku ogaanay in iska cunuhu qiimo ku leeyahay madaxtooyadda somaliland cidii wax qabatayna tahay kacaan ka dheerayn, sidaa awgeed xilka qaadistii Eng: Cabdi Cali Barkhad waxay ahayd gef iyo niyad jebin muwaadiniin badan oo waax qaban lahayd.

Yaasiin Jaamac Aadan.

Top


Garta Dhaqanka, Maahmaahyada Garta.

Maahmaahyada garta dhaqanka oo aanu cadadkayagii hore qaar ka mid ah idiin soo gud-binay waxa kale oo ka mid ah:

Waxay kuugu darran tahay marka qofka aad wax la doonaysaa kula garran-waayo, qofka aad wax ka doonaysaana uu kugu garto.

Doqoni seeftii caro loogu riday sed-bursiinyo ma moodo.

Hadal kun isku ogtahay kow ma odhan-waayo.
May tidhi waa kayd rag.

Rag in loo abaal-guddo iyo in laga aarsado ka fara badan.
Is hubaa heesa.

Rag ballan baa xidha, naagana meher baa xidha.

Hadii aynu intaa ku dhaafno maahmaahyada iyo odhaahaha ku soo arooray garaha dhaqanka, bal iminkana aynu wax ka xusno suugaanta, gaar ahaan heesaha ku soo arooray garaha, waxaana ka mid ah:

Dadka kii wax garadiyo garta ina sanweynaa loo geysan jiraye, gaasiraay inaga yeyna kala guraaya.

Dadku kala gardaranaa, garran-maayo wiilkee.

Gari ma ku gashaa, adiga maku gashaa.

Nin gefaaba lay tirinayaa garasho waa yaabe.

Intaa hadii aynu ku dhaafno suugaanta dhinaca heesaha ee ku soo arooray garaha, bal iminkana aynu eegno suugaanta dhinaca gabayada ee ku soo arooray garaha, waxaana ka mid ah:

“Guddi murrantay waayeel garramay xaajo lagu guulay, ay guud cadiye feemiyeen odaya loo gaatay, nin waliba gankiisiyo markuu giijo madaxiisa, gaagaabsayaa iyo badheedh geesi hadal-yaaba go’aankii la wada raaci jiray gocanayaa mooyi,” Cali Jaamac Haabiil.

“Raguna guudka waysaga egyahay, guulla kala roone gembi warranka, gaashaanka ficil goray dagaalkeeda, guddi murranka waayeel garamay xaajo lagu guulay, gacanta iyo gasiin laga baxshiyo guriga hayntiisa, ma gud-boona geesiga hantiyo gocorka caayaaye,” Salaan Carabey.

“Guddi murantay goolaaftankaan laga gungaadhayne, hadaad gedagedays aragto waa gob iyo caadkeede, guntu hadalka waa kala baqdaa geesi xoola lehe”, Gaagaale.

‘Arin dhacay gobaysane hadii oday ka maahmaaho, afar goor hadii uu jifida rayska ka aroorsho, aqoon gaabka iyo liidku waa ku af-dhalaalaane, isha uma marmaro maatadiyo uur timoolaha’e,” Xasan Madoobe.

“Gole miiggan geed sheeggan iyo garrangar muumaysan, gud-ban iyo shir laba geesa iyo guurti kala soorta, garta laba mudaacaley hadloo dhaabad ba’an geysta, maahmaahyo wada guuna iyo gabayo raacraacay, shan godoo murtidu leedahay iyo gororka suugaanta, geda hadalka loo hoga-geshiyo marrin gobaadeedka,” Hadraawi.

“Dhexmariyo gartana aan ku baro dhigo iskuulkeeda, hadii dhirif ilmaadeer jiruu dhaafo labadooda, muslax iyo wixii dhaahimaha lagu dhamayn-waayo, ninka yidhi dhibaabaan qabaa waa lagaa dhuri dheh, ka kalena garyigil dhoobban noqo ugu dhamee xaajo, hadii aad u kala dhawrsataan labadooda, dabadeed dharaar la ballanoo dhiilo-dhaansada dheh, dhulka iyo marka uu yaal dacwigu dhiraha hoostooda, ninkastaba dhegaatiga watiyo xadhig-xidhaa dhuuja, hadii uu muduci dhididsanaa dhaabbad ba’an geysto, madaacalay dhufays galay marku dhiibto hadalkiisa, la dhaqaajiyaa marag muduci loogu dhololaayey, madacaalay markhaatiga an dhigan dhaaro baa xigiye, marka hagar-baygii laga dhuriyo, hawlo dhaqankiiya, dhaboosaaga loo saantay iyo inan dhigaygaasa, nimuun bay wixii loo dhimiyo dhogorta raacshaane,” C/salaan Maxamed.

La soco.

Top


Jilbo-Dhiig.

Biixi waa yaaban yahay, waxa uu la yaabban yahay gabadhiii Xayaad ee uu geed dheer iyo geed gaabban-ba u galay ee casiiska ku noqotay, isla markaana uu naf iyo maal-ba u huray aragtideeda iyo inuu iska daa wax kale oo uu xataa weedh kooban oo hadal ah la gaadhi kari-waayey ayaa maata iyadii laydh kugu doonaysa waxay ku noqotay qiso yaab leh.
Biixi waxa uu dib u xusuustay waayihii adkaa ee soo maray ayaamihi baadigoobka Xayaad, waxa uu xusuustay silicii iyo luuf-luufkii ay badday ayaamo badan oo uu harraad u qabay, balse ereyo uu la gaadho iska daayoo xataa ay ku adkaatay aragtideedu.

Biixi ayaamo badan bay Xayaad ku noqotay johorrad qaaliya oo aanu goyn Karin, maantase isaga ayey Xayaad sida johorradda tooj ugu doon-doonaysaa, sidaa darteed Biixi waxa uu ku biimay allaylehe tani waa weger iyo ka waaweyn, isla markaana marka uu arintaa gorfaynteeda ku fooggan yahay waxa uu hoos isugula sheekaystaa weedho ay ka mid yihiin “Waa yaab waar ma ninkaygii juuq loo odhan waayey ayaa maanta isagii juuq la’ yahay.”

Biixi waxay arintani maskaxdiisa ku beertay faallo dheer oo uu keligii marba dhinac ka rogayo, isla markaana marka uu isu minguuriyo ayaamihii uu naftiisa leeleelinayey jacaylkii cusbaa ee xanafta badnaa, laakiin uu qofkii ay naftiisu jammatay juuq ka waayey iyo maanta oo ay gabadhii Xayaad la dheelimatay baadidoonkiisa waxa uu isaga oo aan is ogayn mararka qaarkood ku dhuftaa qosol yaabku ka keenay, laakiin xaaskiisa Saynab oo aad u dareentay in lagu soo kordhay oo ay garatay inuu arin ku fooggan yahay, balse aan weli fahmi arinta naftiisa culaysisay ayaa iswaydiisay su’aalo dhawr ah, mar waxay is tidhi “tolow ninka ma xabsigii baa lagu soo helay oo miyirkiisuba sax ma aha.”

Biixi waxa maskaxdiisa buul ka samaysatay xusuusta waayihii qadhaadhaa ee soo maray ayaamihii doonista Xayaad, waxa kale oo ay maskaxdiisu tafsiiri kari wayday waxa manta hortiisa yaal, isla markaana waxa uu isu minguurin kari-waayey xaaladda uu isagu manta ku sugan yahay iyo xaaladda ay Xayaad ku sugan tahay. Sidaa darteed waxa uu noqday nin maahsan oo aad moodo inuu meel ku maqan yahay, waxaana ku yaraatay farxaddii iyo firfircoonidii, taasina waxay ka dhigtay qof weji macbuus ah oo aanay shucuurtiisu marka aad milicsato ku soo jiidanayn, taasina waxay dhibaato nafsaaniya ku keentay xaaladii nololeed ee xaaskiisa iyo qoyskiisa, iyadoo ay farxaddu qayb weyn ka tahay jawiga nololeed ee qoyska. Laakiin culayska maskaxeed ee Biixi naftiisa la soo dersay waxa kale oo uu saamayn ku yeeshay xataa shaqadiisii, ka dib markii uu noqday nin maahsa oo ay firficoonidu ka maqan tahay, taasina waxay keentay saluug badan oo dhinaca shaqada ah, isla markaana waxa marar la waydiiyey su’aalo lagu waydiinayo waxa ku dhacay, balse waxay jawaabtiisu noqotaa “Waxba iguma dhicin, waana caafimaad qabaa boqolkiiba-boqol”, laakiin Biixi waxa batay habsankiisii, waxa kale oo naftiisa ku batay ilowshiinyaha, taasina waxay keentay inuu mararka qaarkood hawl loo diray dhamaanteed-ba iska ilaawo ama qayb ilaawo, sidaa darteed waxa maalintii dambe loo soo jaray warqad shaqo ka fadhiisan ah, ka dibna Biixi shaqo ka fadhiisanta loo soo gooyey wax dood ah iyo wax dacwad ah kama keenin ee sidii ayuu shaqadii kaga tegay, isla markaana waxa uu xaaskiisa iyo axsaabtiisaba u sharaxi kari-waayey sababta shaqada lagaga joojiyey, taasina waxay sii xoojisay shakigii ooridiisa. Laakiin Biixi markii uu camal belay waxay xaaladiisu noqotay mar u sariirta jiifo iyo mar uu maqaaxi fadhiyo, sidaa awgeed maalintii oo dhan iyo xataa habeenkii inta badan waxa uu fadhiyi jiray makhaaxi yar oo ay haysatay gabadh Somali ahi, isaga oo gurigiisa u soo hoyan jiray goor dambe oo habeen-badh ah.

Biixi waxay camal la’aantu markii dambe u geysay inuu qaadka cuno, taasina waxay keentay inuu habeen iyo maalin-ba jilinka u laabo cunista qaadka, isaga oo habeen walba ku saamaleyli jiray cunista qaadka, taasina waxay keentay inuu habeenkii gurigiisa u soo dhaco ama soo garaaco saqda dhexe, laakiin dhaqanka habeen gudku waxa uu sii xumeeyey dareenka xaaskiisa, waxayna bilawday dabeecad xumo iyo hiiftan nafteeda ah, waxay iswaydiisay su’aalo badan, sidaa darteed waxay habeenadii dambe marka uu Biixi saqda dhexe albaabka ku soo garaaco ka horkeentaa hadal dhiif leh iyo karoox, laakiin Biixi xaaskiisa Saynab maalinba maalinta ka sii dambaysa way ka sii dabeecad xumaataa, sidaa darteed waxayba dhaqan ka dhigatay inay af-xumo iyo weedho dareenkiisa damqa la baraysato, taas oo ay hadalada qaarkood Biixi u dhaami lahayd inay gabadhiisu biyo kulul ku saydho, waayo xaaskiisu waxay joogto uga dhigtay in marka ay doonto wejiga kaga dhufato hadal-ba hadalka uu ka xun yahay ilaa ay xaaladiisu gaadhay heer uu xamili kari-waayo hadalada dhinbiisha dabka ah ka kulul ee ay xaaskiisu ku seexiso ama ku toosiso.

Dabeecad ku beerrantay Saynab ma aha wax ay iyadu iskeed isaga samaysatay, balse waxa ku beerray dhaqanka cusub ee kaga yimi saygeeda, kaas oo ah mid aanay uga barran, iyadoo ay runtii ahaayeen laba qof oo ilaa xad isku wanaagsan, aadna isugu jajaban, isla markaana Biixi way u muuqataa inay tabashadu xagiisa ka timi, laakiin Biixi kama jawaabi karo waxa ay gabadhiisu ka tebanayso, waayo wuxuu noqday nin ay dhibaato nafsaaniyi haleeshay oo aan naf kale iska daayoo naftiisa caawin Karin.

La soco.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa.

Mingistu: Garbojoof madaxweynihii Soofiyeet-ka falsafadihiisii xiligaa iyo siyaasadihii u waday ma ahayn wax aanu si hawl inta aanu ku wacad-furno uga bixi karaynay, waayo marka la eego xiliga waxay ummadaha intooda badani aaminsanaayeen ama lahaayeen wax aan hantiwadaagga ahayn oo maanta ina dhaqi karayaa ma jiraan, waxay ahayd xili Maraykanka lagaga guulaysanayey falsafadihiisii, taas oo markii ay Maraykanku ku ceeboobeen siyaasadahoodii dunida ee xiligaa ayey dib uga gurteen aduunka, taas oo ay markii hore Maraykanku ahaayeen nimanka haysta miisaanka siyaasadeed ee dunida, laakiin markii uu soo if baxay nidaamka hantiwadaaggu ee ay awoodihii hantiwadaaggu dunida ku fideen ayey awooddii iyo miisaankii siyaasadeed ee uu Maraykanku dunida ku lahaa mar keliya dhulka gashay, laakiin waqtigaas ayey halgamayaashayadii (dagaalyahan) si weyn oo la yaab leh isugu dhex-yaaceen, isla markaana la kala furfuray, waayo dhinac KGB-dii (Sirdoonka Ruushka) ayaa ka soo galay, dhinaca kalena CIA-da ayaa soo dhex-gashay, ka dibna awood u yeeshay inay siyaasadahooda iyo falsafadahooda ku tababaraan niman Itoobiyaan ah oo iyaga u shaqeeya.

Sidaa awgeed waxay saraakiisha Itoobiya qaarkood samaysteen urur madax banana, waxayna saraakiisha ururkaa aasaasay yidhaahdeen, “Anagu Itoobiyaan ma nihin”, ka dibna waxay la soo safteen kooxo Itoobiya weeraro ku haya oo doonaya inay kala googooyaan wadanka, iyaga oo gobanimodoon sheeganaya, isla markaana waxay saraakiishani iyaga oo qos-qoslaya qunyar iska yidhaahdeen “Dawlad midaysan oo ku meelgaadh ah oo Itoobiya ah inta aanu samayno ayaanu jabhadaha gobanimodoonkana la shaqayn doonaa”, ka dibna fekerkooda caynkaas ah waxay u bandhigeen shuftooyinka hubaysan ee wadanka dagaalka ku hayey, iyaga oo leh taasi waa xal aanu doonayno inaanu dhibaatada ku furdaamino. Laakiin iminka marka aan xusuusto aad baan ula yaabaa qolooyinkan saraakiishiii dhergiga ahayd ee rumaystay sidaa, kuwaas oo inta ay iska ilaaween colaaddii aan cafiska lahayn ee na dhextaalay anaga iyo nimankaa jabhadaha ah ee doonayey inay Itoobiya kala googooyaan iyo halgamadii aanu soo galayba inta ay iska dhigeen sidii dad aan waxba ogayn oo kale ayey ugu dambayntii mar keliya gacanta u galeen cadawgoodii.

Iyadoo ay sababta ay sidaa u yeeleene ahayd guuldaro dhexdooda ka dhacday iyo cabsi ay qaadeen darteed, ka dibna waxay qaateen siyaasadda caynkaas ah oo ahayd siyaasad doqonimo ah, waayo waxay cadawgoodii siiyeen ama u kashifeen sirtii ciidankooda oo iska dhan.
Ganat: Adigu maadaama aad ahayd gudoomiyaha guud ee ciidamada markii aad arintaa aragtay maxaad ka yeeshay, ta kale miyaadan ogayn wararka iyo sirta ciidamada ee la bixinayo?

Mingistu: Way jireen warbixino I soo gaadhay , waayo masalan saraakiishaasi iyadoo aanay xataa dawladdu ogayn ayey gaadheen heer ilaa xabbad-joojin ah inay nimanka hubaysan kula heshiiyaan, sidoo kale nimankaa saraakiisha ahi ikhtiyaarkooda iyaga oo aan cidna ka fasax qaadan ama aanay jirin cid dirtay iyo amar ay ku baxeen ayey Rooma (Talyaaniga) iyo meelo kale shaqo ama waxyaalo kale u tagaan, sidoo kale waxa la yidhaahdaa saraakiil hebel iyo hebel ayaa Maraykanka gaadhay. Ta kale Shacbiyadda (Ereteriyiinta) iyo Wayaanuhu (Tigreega) waxay nimanka saraakiisha ah badheedh ugu yidhaahdaan “Mingistu in lala heshiiyo waa wax aan dhici karayn, isla markaana hadii xukuumaddan maanta jirta burburisaan sabab aanu idiinla heshiin waynaa ma jirto”. Sidoo kale nimankan saraakiisha ahi inta ay nimanka hubaysan u tageen oo la galeen heshiis xabbad-joojin ah, ka dibna inta ay guushii ciidamadu lahaayeen faramaroojiyeen ayey gacanta u geliyeen cadawga. Sidaa awgeed markii ay guuldarada naagu baaqeen ka dib ayaanu gaadhnay heerka aanu maanta taaganahay, ta kale waxay su’aasha iswaydiinta lihi tahay ciidanka Itoobiya ma waxa lagaga guulaystay kartida iyo awoodda Wayaanaha (tigreega), mise waxa lagaga guulaystay geesinimo ay shacbiyaddu leedahay, mise waxa lagaga guulaystay wixii ay nimankaa saraakiisha ahi sameeyeen, kuwaas oo inta ay Wayaanaha soo horkaceen u horseeday inay Adis-ababa gacanta ku dhigaan, markaa dadkayaga laftiisa ayaa ugu wacan inay nimankaasi Adis-ababa yimaadaan oo wax ku gumaystaan.

Waxaan inaad akhrisatay taariikhdii Hellen of Troin, markaa Shacbiyadda (Ereteriyiinta) iyo Wayaanuhu (Tigreega) faraskii la odhan jiray Tarooganis ayey u soo fuleen dhulka ee cagahooda kuma ay iman.

La soco.

Top


Hal Xaaraan ahi Ma Dhasho Nirig Xalaal ah, Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/Raxmaan, Hargeysa. 

Guul iyo sharaf aan la qiyaasi karin oo xambaarsan horumar ayaa qarankeenan Somaliland ku talaabsaday hadday tahay nabadgelyadda, kala dambaynta, iyo nidaamka aynu dhisanay oo ah mid eebbe loogu xamdi naqo, haddaba inaga oo ka duulayna, nidaamka axsaabta badan, waxa aynu sharaf kaga soo g udubnay, doorashooyinkii deegaanka guul weyn ayaana soo hoyatay.

Waxa inoo qabsoomay doorashadii madaxtinimada, oo si nabadgelyo ah inoogu dhacay balse waxaynu wada ogsoonahay in mugdi hadheeyey ku dhawaaqistii natiijadda, haddaba marka la qiimeeyo, siday wax u dhaceen fal iyo xeer, aynu u kala qaadno iyo saamaynta ay inagu yeelanayso, mustaqbalka dalkan iyo bulsho weynta ku dhaqan haddaan sharax kooban ku sameeyo, ugu horeyn siday wax u dhaceen, waxaynu ka wada dheregsanahay inaanay isku kaamabayn iyo labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE, kuna gacan iyo taageeroba sareeyey xisbiga KULMIYE, waxaase lama filaan ku noqotay masuuliyiinta xukuumadda ee xisbiga UDUB niyad jab weyna ku riday, codka uu ku hogaaminayey xisbiga KULMIYE oo lama filaan iyo kedis ku noqotay xisbiga UDUB waxa uu markaa u tafaxaytay xisbiga UDUB, sidii loo jiidhsiin lahaa ugana suuro geli lahayd xarunta guddiga doorashooyinka qaranka guul darro in la bado xisbiga KULMIYE, waxaana guclo orodkii guurtida, ee badbaadinta UDUB sababay in la marin habaabiyo natiijaddii guusha KULMIYE, waxaana ka dhashay dhawaaqan lama filaanka ah kana fog xaqiiqadda iyo runta biyo kama dhibcaanka ee shacbiga Somaliland haysto, guddo iyo dibadba.

Go’aankan boobsiiska ah ee uu guddiga doorashooyinku soo saareen oo ka jilicsan xuubka xaaradda, qoto dheerna aan ku fadhiyin qiyaasta codadka inta ay ugu dareen UDUB, haddaba waxaa nusqaan weyni dusha ka saarantahay hay’adaha sharci dejinta Somaliland guurtida iyo wakiiladda, xeerku sida uu dhigayo, waxaana qaranku u jeelanyahay in xalaal lagu bireeyo gobonimadiisa.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa aragtidan, mid waxaan leeyahay shacbiga, midna waxaan leeyahay masuuliyiinta qaranka, sida guurtida, wakiiladda, hogaamiye dhaqameedka, culimaa’udiinka iyo aqoonyahanka.

Shacbiga waxaan leeyahay ma jirto cid ay colaadi dhextaalo, tartan sharaf leh ayaa jira, ee aynu adkayno nabadgelyada inaga oo isku duuban.

Masuuliyiinta qaranka ee aan kor ku soo xusayna waxaan leeyahay hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho, waxaanan u soo jeedinayaa qodobadan.

In la sameeyo guddi qaran maadaama ay maxkamadda sare lagu kalsoonaan karin, oo uu magacaabay madaxweyne Rayaale guddigaas oo baadhis samayn doona.

In la badbaadiyo is-aaminkii qaranku ku dhisnaa, go’aan xalaal ahna laga soo saaro natiijadda.

Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/Raxmaan, Hargeysa. 

Top